Haatuf, Cadadki 90, June 4, 2002

Kulamo Lagu Gorfaynayo Xaalka Somaliland Oo Ka Dhacaya Washington.

 

Washington—Kulan ballaadhan oo lagaga hadlayo arimaha Somaliland ayaa maalinta jimcaha ee foodda inagu haysa ee juun 7,2002, lagu qabanaya magaalada Wahington ee caasumadda dalka Maraykanka, waxaana kulankaa ka soo qayb gelaya in ku dhow ilaa 80 qof oo isugu jira Madaxda Kongaraska iyo saraakiil ka tirsan hayadaha dawladda.

Sidoo kale dadka reer-Somaliland ee ku nool magaalada Washington iyo nawaaxigeeda ayaa, iyaguna maalinta sabtida ee ay bisha Juun tahay 8 isugu imanaya kulan kale oo ballaadhan, waxaana halkaa dhici doona bandhig dhaqameed iyo sidii ay dadka reer-Somaliland ee halkaa ku dhaqani u samayn lahaayeen dedaal dheeraad ah oo la xidhiidha wax ka qabashada dhinacyada dhaqaale iyo Siyaasadeed ee dalkooda.

Munaasibadaa oo ka dhici doonta guriga Kongaraska waxay ujeedadeedu la xidhiidhaa sidii Madaxda dalka maraykanka looga dhaadhicin lahaa xaaladda Somaliland, haddii ay tahay arimaha dhinaca bulshada iyo haddii ay tahay arimaha dhinaca siyaasaddaba, waxaana ugu horayn halkaa lagu soo bandhigi doonaa muuqaalo iyo doodo ku saabsan xaaladaha nololeed iyo Siyaasadeed ee Somaliland,iyadoo ay kulankaa wada jir u soo qaban-qaabiyeen Mudane ka tirsan kongaraska Maraykanka oo magaciisa la yidhaahdo Mudane:Donald Payne oo Kongaraska u qaabilsan arimaha debedda iyo DR: Axmed Xuseen Ciise oo ah maamulaha Maxadka Cilmi-baadhista iyo tababarada Somaliland IPRT oo hadda ku sugan dalka Maraykanka. Waxa kale oo iyaguna kulankaa ka qayb-gelaya urur cusub oo dhawaan lagaga sameeyey dalka Maraykanka, lana yidhaahdo American Alliance for Somaliland development.

 Kulankaa dadka hadli doona waxa ka mid ah Ambassador: Lange Schermerhorn oo mar ahaa safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Djabuuti. Waxa kale oo isna halkaa ka hadli doona Amed Xuseen.

“Waxaanu tilmaamay horumarka nololeed iyo Siyaasadeed ee ay Somaliland gaadhay iyo qalad iyo gef tahay in ummad wax qabsanaysa siyaasad la isku hor-taago” ayuu maamulaha IPRT, wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi “ waxa kale oo aanu u sheegaynaa dawladda maraykanka inay Somaliland inta badan ka bixi lahayd duruufaha haysta haddii laga dul-qaado cunaqabataynta Siyaasadeed oo la ictiraafo”.

Dhinaca kalena waxa saddexdii toddobaad ee ina dhaafay si is-dabajooga ah dalka u yimi wufuud ka kala socda dawlado kala duwan laakiin u badan dawladaha reer-galbeedka iyo Afrika, waxaana ka mid ahaa wufuudaa laba wefti oo ka kala socda dawladaha itoobiya iyo maraykanka, kuwaas oo kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Mudane: Daahir Rayaale Kaahin, shirgudoonada labada gole ee baarlamaanka somalilaand iyo dhinacyo kale. Weftiga dawladda Itoobiya ka socday waxa hogaaminayey wasiiru-dawlaha arimaha debedda Mr: Tekede Alemu, wuxuuna Tekede waraysi uu siiyey wargaysyada Haatuf iyo The Somaliland Times ku muujiyey sida ay dawladda Itoobiya uga go’an tahay danaynta arimaha Somaliland.

Sidoo kale waxa wufuudaa ka mid ahaa laba sarkaal oo sar-sare oo ka socda aqalka Senatka Maraykanka, una qaabilsan arimaha debedda, kuwaas oo ay ujeedada socdalkoodu la xidhiidhay xo urursi ku saabsan xaaladaha iyo wararka ka jira mandaqadda bariga Afrika, waxayna markii ay Somaliland yimaadeen la kulmeen Madaxweynaha Mudane:Rayaale iyo Shirgudoonada baarlamaanka,taas oo ay masuuliyiinta Somaliland weftiga Maraykanka iyo wufuudda kaleba kale hadleen guud ahaan  qadiyadda Somaliland iyo gaar ahaan xaaladaha Siyaasadeed, nololeed iyo maamul ee uu dalku ku sugan yahay, laakiin inta ka dib weftiga Reer-maraykan ee Somaliland socdaalka ku yimi waxay guryanoqoshadoodu ku beegantay xili lagu gudo jiro qal-qaalada shirka ka dhici doona xarunta Kongaraska Maraykanka ee lagaga hadli doono arimo ku saabsan xaaladaha iyo arimaha Siyaasadeed ee Somaliland, taas oo la filayo inay weftigaasi kulankaa ku biirin doonaan wararka iyo xogaha dhabta ah ee ay kiishada ku sii riteen ka dib markii  ay socdaalka ku yimaadeen Somaliland.

Weftiga Maraykanku markii ay Somaliland yimaadeen waxyaalihii ay Madaxda Somaliland kala hadleen waxa ka mid ahaa baasaboorka Somaliland, taas oo ay Madaxda dawladda Somaliland ka codsadeen Madaxda dawladda Maraykanka inay aqoonsadaan baasaboorka Somaliland iyo arimo kale oo la xidhiidha qadiyaadda iyo xaaladaha Somaliland.  Sidaa darteed waxa la filayaa inay weftigaasi dawladooda u gudbin doonaa xaqiiqda biyo-kama dhibcanka ah ee Somaliland ka jirta iyo waxyalihii ay Madaxda Somaliland kala hadleenba.

“Waxaanu ku nidhi maaha inuu xidhiidhkinu ku ekaado xagga sare oo keliya, laakiin waa in xidhiidhka labada dal hoos loo daadejiyo oo ay ugu horayn labada baarlaman ee labada dal is arkaan, waxaanuna ka codsanay inaanu wefti baarlamaanka Somaliland ah ku tagno Itoobiya si aanu ula kulano baarlamaanka Itoobiya”—sidaa waxa yidhi gudoomiye-kuxigeenka Golaha wakilada Somaliland Mudane: C/qaadir X. Ismaaciil Jirde oo shalay mudanayaasha golihiisa warbixin ka siinayey kulamadii ay Madaxweynaha iyo shirgudoonada baarlamanka Somaliland la yeesheen wufuudii dalka socdaalka ku yimi maalminii ina dhaafay, wuxuuna Mudane C/qaadir intaa ku daray oo uu yidhi “weftiga Itoobiya waxa kale oo aanu ku nidhi anaga shacbigayagu wuu dhaliilayaa sida ay labada xukuumadood( Somaliland iyo Itoobiya) u wadaan xidhiidhka labada dal, waayo waa si gaabis ah”.

Mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde waxa kale oo uu xog-warankiisa ku daray inay weftiga dawladda Itoobiya si weyn u hogo tusaaleeyeen sida ay waqtigan xaadirka ah u bisishahay in la aqoonsado Somaliland, taas oo marka la eego marxaladda ay marayso uu yahay dariiqa keliya ee muuqdaa in la aqoonsado.

Sidoo kale Mudane C/qaadir waxa uu sheegay in ay cid kasta u qadimeen inaanu habayaraatee Somaliland khusayn shirka lagu qal-qaalo jiro inuu dhawaan ka dhaco Nayroobi ee ay qaban-qaabinayaan ururka IGAD.

Sida la ogyahay Somaliland oo muddo 11 sannadood ah ahayd dawlad madax banana, ka dib markii ay sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay madax banaanideedii kala soo noqotay dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee ay sannadki 1960-kii ku midoobeen labadii dal ee xoriyadahooda ka kala qaatay mus-tacmaradihii Ingiriiska iyo Talyaaniga. Haseyeehsee Inkasta oo ay mudadaa 11-ka sannadood Somaliland ahayd dawlad madaxa bannaan, haddana beesha caalamku way kala masuugtay inay aqoonsato, iyadoo ay saababta keliya ee ay    taa ku wayday tahay cadaadis cadaadis lagu saraayo inay asmado midnimo Somali-weyn, laakiin marka la eego xaqa aayo-ka tashiga ee ay ummad-kasta oo dunida ku nooli xaq u leedahay,taasi waxay ummadda Somaliland ku tahay joor-fal iyo duudsi ay dunidu kuka kacday, waxayse dadka Reer-Somaliland naawilayaan in hadda la gaadhay marxalad ay lagama maarmaan tahay in la aqoonsado Somaliland.

Dugsigii Farsamada Gacanta Hargeysa Oo Dib Loo Furay
 

Hargeysa (Haatuf): Dugsiga farsamada gacanta ee magaalada Hargaysa ayaa shalay furay ka dib markii dib u dhis lagu samaeeyey, waxaana dib u furista dugsigaa lagun aftaxay 66 arday oo isugu jira laba qaybood oo kala ah 33 wiil oo baranaya farsamada qasabadaha iyo 33 gabdhood oo baranaya maamulka xafiisyada.

Xaflad ballaadhan oo loogu talo galay dib u furista dugsiga ayaana shalay lagu qabtay dhismaha dugsigaa, waxaana munaasibadaa ka soo qay galay masuuliyin iyo marti sharaf kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin: gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde, Mudane Xaaji waraabe oo ka tirsan aqalka Guurtida Somaliland, agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Xuseen Cilmi, maareeyaha wakaaladda biyaha HargaysaCumar Boobe, Maxamed Cumar carte oo ka mid ah masuuliyiinta jaamcadda Hargaysa, maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsiga iyo weliba martisharaf kale.

Maamulaha dugsiga farsamada gacanta C/casiis Maxamed Samaale ayaa ugu horayn hadal warbixin ah halkaa ka jeediyey, wuxuuna ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu dugsigaasi soo maray, taas oo u tilmaamay inuu dugsigaasi waqtiyadii hore kaalin mug leh ka soo qaatay hanaqaadkii Waxbarashada Somaliland, islamarkaana waqtgan xaadirka ah oo dugsiga dib u dhis lagu sameeyey waxa lagu bilaabay laba qaybood oo kala ah qayba ah barashada farsamada qasabdaha oo ay dafcadda hadda gashay ka kooban yihiin 33 wil iyo qayb barashada maamulka xafiisyada ah oo ay dafcadda gashay ka kooban yihiin 33 gabdhood ,iyadoo uu maamuluhu sheegay in lagu talo jiro in qaybo kalena dhawaan lagu kordhiyo dugsiga , wuxuuna maamuluhu aad ugu mahad naqay hayadaha I.S.F iyo I.R.C. oo dib u dhis ku sameeyey dhismaha dugsigaa.

Agaasimaha gud ee wasaaradda Waxbarashada ayaa isna halkaa ka hadlay isaga oo farta ku fiiqay dedaalk ay wasaaradiisu ugu jirto horumarinta Waxbarashada dalka, wuxuuna tilmaamay inay wasaarad ahaan soo dhowaynayaan cidkasta oo gacan ka gaysanaysa arimaha Waxbarashada, iyadoo uu agaasimaha guud ka mid yahay raggii wax ku soo bartay dugsigaa, taas oo uu xusay in markii u horaysay dugsigaa la furay sannadkii 1952-kii, ayna dhistay dawladda Ingiriisku.

Gudoomiye-kuxigeenka 1aad ee Golaha wakiilada Mudane C/qaadir ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna ka hadlay muhimadda ay waxbarshadu leedahay, isaga oo taa ka sokowna ka hadlay dhinaca arimaha Siyaasadda iyo sida loogu baahanyahay nidaam dimoqraadiyadeed oo wax ku ool ah, iyadoo uu C/qaadir laftiisuna ka mid ahaa dadkii wax ka soo bartay dugsiga farsamada gacanta Hargeysa.

Mudane Xaaji Cabdi-waraabe oo isna madashaa ka hadlay ayaa sheegay inuu goob joog ka ahaa markii ugu horaysay ee dugsigaa la furay 1952-kii, wuxuuse Xaaji Cabdi-Waraabe ka hadlay dhinaca nabadgelyada oo uu tilmaamo ka bixiyay qiimaha ay leedahay iyo sida aan la’aanteed waxba u suurta gelayn .

“Waxaan u mahad naqayaa siyaasiyiinteena oo aan noqon sida kuwa Reer-koonfureedka  ee kursiga isku dilaya, balse muujiyey isu tanaasul iyo dul-qaad”.ayuu yidhi Xaaji Cabdi-Waraabe,waxaana markii uu sidaa yidhi loo tumay sacab, isaga oo Xaajigu guud ahaanba u mahad naqay dadka Reer-Somaliland, si gaar ahna u xusay ciidamada Somaliland ee ku hawlan ilaalinta amaanka dalka.

Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa Cumar Boobe ayaa isna munaasibadaa ka hadlay, wuxuuna halkaa ka ballan-qaaday inay kaalintooda ka qaadan doonaan wakaalad ahaan arimaha Waxbarashada, taas oo uu xusay inay si gaar ah uga qayb qaadan doonaan shaqaalaynta ardayda dugsigaa ka soo baxda ee soo barata farsamooyinka la xidhiidha dhinaca biyaha sida qasabadaha iyo biyogelinta.

Maxamed Cumar Carte ayaa isna halkaa ka hadlay, isaga oo farta ku fiiqay ahmiyadda ay waxbarashadu leedahay, gaar ahaana dugsiga farsamada gacanta Hargaysa ee dib loo furay.

Maayarka Burco Oo U Socdaalay Dalka Sucuudiga

 

Hargeysa (Haatuf): Maayarka magaalada Burco Maxamed Cali Maxamed, ayaa shalay ka dhoofay Madaarka magaalada Hargeysa, una socdaalay dhinaca dalka Boqortooyada Sucuudi Careebiya.

Siduu Haatuf u sheegbay Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Cumar Cige, Maayarku wuxuu u tegay Sucuudiga, si uu u soo cusboonaysiisto Ciqaamad Sucuudiya oo uu leeyahay oo ka dhacaysa. “Toddoba cisho ayaanu fasaxnay, si uu u soo hagaajisto Ciqaamadda,” ayuu yidhi Wasiirku. C/laahi Cadde, waxa kale oo uu sheegay in guddi ka socda Wasaarada Daakhiliga oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud uu u dirayo magaalada Burco, si ay wax uga qabtaan una xaliyaan khilaaf dhinaca maamulka oo beryahanba u dhexeeyay Maayarka iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Burco, kaas oo khal-khal geliyay geedi-socodka hawlaha Maamul ee Dawladda Hoose.

Maayarka magaalada Burco, Maxamed Cali Maxamed, intii aan loo magacaabin xilka Maayarnimo ee magaalada Burco, wuxuu joogay oo uu ka shaqaysan jiray dalka boqortooyada Sucuudiga.

Mid ka mid ah Waddaadada Caanka ah ee Hargeysa oo Gurigiisa Bambo lagu Qarxiyay

 

Hargeysa (Haatuf): Abaarra 2:00 Habeenimo ee Isniintii ayay dadka ku dhaqan xaafadda Axmed Guray ee magaalada Hargeysa, badidoodu ku seleleen dayaanka Qarax weyn oo ka dhacay xaafadda dhexdeeda, kadib markii bamboo kuwa gacanta laga tuuro ah lagu dhuftay gidaarka guri uu ku jiro Sh. Maxamed Macalin Cabdi Carab oo ka mid ah Shuyuukhda waaweyn ee caanka ah ee reer Hargeysa. Lama sheegin cid qaraxasi uu gaadhsiiyay dhaawac muuqda, hase yeeshee meesha lagama saarin inuu geystay khasaare nafsaani ah, siiba Carruurta iyo haweenka oo uu argagax geliyay qaraxaasi.

Si cad looma sheegin ujeeddada dhabta ah ee dhalisay qaraxaasi iyo cidii fulisayba. Sh. Maxamed Macalin Carab oo gurigaa bambada lagu dhuftay deggani-na, wuxuu sheegay in aanay jirin cid ay wax ka dhexeeyaan oo uu u tuhmayo arrintaasi, waxaanu intaa raaciyay oo uu xusay in boolisku ay u sheegeen in ay falkaa hal nin u qabteen.

Qaraxa bambadaa ka sokow, waxaa gelinkii dambe Axadii laga maqlayay isla xaafadaas dhawaaq rasaaseed oo la sheegay in ay rideen dad shicib ah oo ka soo jeedda laba qoys oo xaafaddaa wada-degan oo dagaalamay, kuwaas oo ku kala jira laba sekadood oo isu xiga. Sekedahaas oo mid ka mid ah uu ku yaalo guriga uu deggan yahay Sh. Maxamed Macali Carab, ayna isku dhegan yihiin guri ay degan yihiin qoys ka mid ah labada reer ee dagaalamay.

Isniintii shalay, ayaa haddana mar kale qarax rasaaseed ka dhacay isla xaafadaas, taas oo la sheegay in ay ahayd xabad uu riday qof qoysaskaa midkood ka mid ahi.

Inkastoo xubno ka mid ah qoysaskaa dirirtu dhexmartay la xidh-xidhay, haddana siday Haatuf u sheegeen qaar ka mid ah dadka xaafadaas deggani, waxay si weyn u dhalliileen Ciidanka booliska oo ay ku tilmaameen in aanu qaadin tallaabadii loo baahnaa, taasina ay daba-dheeraysay gacanka hadalka labada qoys dhexmaray oo ay tibaaxeen in ay filayaan in qaraxa bambaduna la xidhiidho.

Xubnahaasi, waxay intaa ku ladheen oo ay sheegeen in xaalku aanu gaadheen rasaas, haddii aanu fursad siinin boolisku. Xubnahaasi, waxay ugu baaqeen Xukuumadda in si degdeg ah wax looga qabto kordhinta tayada Booliska.

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Mee Ciidankii Boolisku
 

Boolisku Ciidan ahaan waxa uu laf-dhabar u yahay sugidda nabadgelyada iyo ka hortegidda wx alaale wixii wax u dhimaya amaanka iyo xasiloonida, islamrkaana waxa kale oo uu boolisku u xil saaran yahay baadhista , dabagalka iyo dersidda denbiyada dhaca iyo noocyadooda.

Sidaa awgeed Ciidanka booliska waxa la odhan karaa waa ka ugu mudan xil ahaan ,uguna hawsha badan marka loo eego ciidamada kale, sababta oo ah waxa uu u xilsaaran yahay hawl joogta ah oo ah sugidda amaanka gudaha dalka oo dhan.

Hadaba, Inkasta oo aanu Ciidanka booliska Somaliland lahayn qalab ku filan ama qalabka uu u baahan yahay ciidan ahaan si uu u guto hawshaa, islamarkaana ay jiraan duruufo kala duwan oo haystaa, haddana waxa muuqata inuu tayo ahaan hoos u dhac weyni ku yimi hawl-qabadkiisii caadiga ahaa , marka loo eego xiliyadii hore , islamarkaana waxa taa barbar taal ,iyadoo ay kordheen dembiyada dhacaa,kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah la ogaado uun goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ama waxaaba dhacda inaanay cidiba ogaan ee ay sidaa ku tasoobaan.

Awal hore hawl-gelinta Ciidanka booliska iyo sida ay ku gaadhaan goobaha ay wax ka dhacaanba, waxay ahayd mid tayo ahaan lagu tilmaamay in ay ka saraysay halka maanta xaalkiisa marayo o oah mid kala daadsanaan xoog lihi ka muuqato. Tusaale ahaan, dhawrkii maalmood ee tegay waxaa dagaal-gacan ka hadal ahi ku dhexmaray laba qoys oo deris ah.

Falkaas oo lumiyay degenaanshihii caadiga ahaa ee xaafaddu, wuxuu markii dambe gaadhay heer la adeegsado baaruuda qaraxda oo xabado la rido. Qarax bamba la tuuray, ayaa iyana gariirkeeda laga dareemay deegaankaas oo dhan. Goobta qaraxyadaasi ka dhaceen, waxaa ku yaalla guriga Wasiirka Beeraha, Maxamed Jaamac Belel oo u jira fogaan aan konton tallaabo ka badnayn. Siday sheegeen dadka xaafadahaas qaarkood, intii rabshadaasi sii tarmaysay marnaba boolisku may awoodin in ay si haboon wax uga qabtaan. Dadka xaafadduna, waxay intaa ku dhawaaqayeen, mee Booliiskii? Tan oo kali ah kuma koobna dhacdooyinka noocan oo kale ahi, hase yeeshee tani waa tii ugu dambaysay welina uu raadkeedu sii qoyan yahay. Waxa kale oo intaa dheer, goobta falkani ka dhacay waxay dhinaca koonfureed ka kulaalaysaa Biriijka Hargeysa, waxaanay u dhaxaysaa saldhiga dhexe iyo saldhiga waaxda Axmed Dhagax oo xaafaddu ka tirsan tahay. Sidaa aawadeed, waxay is-weydiintu tahay, maxaa sababay in wax ka qabashada arrintasi daahdo, sidayse Ciidanka Booliisku u awoodayaan wax ka qabashada fal ka dhacay daafaha magaalada? Jawaabaha su’aalahani, waa qaar u yaalla taliska Ciidanka.

nkasta oo aan si cad loo bayaamin hoos-u-dhaca ka muuqda tayada Ciidanka, haddana waxaan la dafiri karin in aanu Ciidanku qabin daryeel fiican. Sidoo kale, waxaa iyana meesha taalla kala-daadsanaan dhinaca hawl-gelinta ah. Siday sheegeen warar laga soo xigtay illo u dhuun-dalloola arrimaha ciidanku, kala daadsanaantaa waxa loo aaneeyay in ay ka dhalatay taliska guud ee Ciidanka oo la sheegay in aanu si weyn isagu hawlin ka warhaynta fulinta hawl-maalmeedka Ciidanka Booliska caasimadda.

Wararkaasi, waxay intaa ku dareen in taliska guud sida uu ugu mashquulo kala deberidda arrimaha saadka Ciidanka, aanu ugu mashquulin hawl-fullintiisa. Tirada Ciidanka booliksa, ayaa iyana lagu tilmaamaa in ay tahay mid aan caddayn, waxaanay wararku sheegeen in tirada mushaharooyinka loo qaadaa ay badan tahay, balse inta hawl-gashaa ay yar yihiin. Wararku waxa kale oo ay tibaaxeen in tirada aan jirin ay masuuliyiinta sar-sare ku lunsadaan hanti. “Taliyaha guud ee Ciidanku waa nin mashquulsan oo aan ka badinaynin saarnaanta gaadhiga cad ee Land-crusier-ka ah ee uu ku xaragoodo.” Sida waxa yidhi sarkaal sare oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

Si kastaba xaalku ha ahaadee, waxaa lama huraan ah in si dhakhso ah loo soo nooleeyo tayada Ciidanka booliiska, lagana dhigo Ciidan tiradiisu sugan tahay, isla markaana la siiyo dheef u qalanta. Waxa kale oo la gudboon Madaxweyne Rayaale inuu xoogga saaro qalabaynta Ciidanka, lana baadho arrimaha dhinaca musuqmaasuqa ee la sheegay inuu aafeeyay sedka yar ee Ciidanka. Sidoo kale, waxaa muhiim ah dhismaha talis adag oo tayo leh oo dib u nidaamiya Ciidanka booliska, haddii kale xaalku wuxu ku dambayn doonaa in laysu weydiiyo Ciidanka, sidaa ay Haddaba dadku u leeyihiin, mee ciidankii boolisku?

RADIO MAQALOOCSHE

Halkani waa Radio Maqaloocshe

 

Halkani waa raadyow ma qalooc-she oo ay aydin ka dhegaysataan mawjadaha gaagaaban ee kaftan yaqaanka iyo hirarka dhaadheer ee ilaaqyahanka ah.

Akhyaartayada dhegaha fiiq-fiiqan ee suuqa naga maqlow. Maanta waxaan idiin hayaa barnaamij ciyaareed, waxaana idiin akhriyi doona weriye Mr: daawasho-kulaacib.

Dunida oo dhan ayaa caag-yar oo kuusan la tagtay laba gel-gelimood oo ku kala yaal wadamada Kuuriya iyo Jabaan, waxaana halkaa ka soconayey ciyaaro lugta lagu dagaalamay.

Cadaloolkan oo loo salax-day garoomo diin-fadhi la moodo waxa gigtii ugu horaysayba jeenyaha isla galay wiil googaareedyo Reer-afrika ah oo ka duulay dalka siniin-gaal iyo maryo-alool dalka faraansiya u ciyaar guda.

Ciyaartaas waxa adinka ku ciyaarayey laba iyo labaatan qof, waxaana isha ka ciyaarayey afar bilyaan oo qof . Markii ciyaartan bigilka lagu shamiyey ayey ilmo ciyaar yaqaano ahi duulaanka isku hinjiyeen, lugta alla ma gooyaan reer-siniin-gaal ah ayaa Faransiiska bahal gool ah gunta ka waraabiyey, ka dib markii uu laad ku tuwaaliyey caagii yaraa ee kuusnaa ee uu candhada u geliyeey edegii yaraa ee marya-aloolka, dabadeedna markaas ayaa qaylo iyo sawaxan laysla oogsaday-gool…gool..xilwa..xilwa..walaahi goolu-goolulaahi..dardartu cawdu bilaahi..wa rijaalu-ragulaahi, wa siniin-gaalu khabiirulaahi/ wa dar-batu qiyaasulaahi, xliwa walaahi hadafu-awel, siniin-gaal kamaa kawkabu kurati karbaashu faraas.

Ciyaartaasina waxay ku dhammaatay hal nabar oo ay siniin-gaal ridatey iyo eber dhako weyn oo ay faraas la huleeshay.

Ciyaartani waxay saadaasha ku beenisay Faraaska oo ah dal nejis ku ahaa ciyaarta iyo Siniin-gaal oo ahayd socod-barad, laakiin Afrikada madow dheg u nooleeyey.

Jarmalka oo Sucuudiga ka dhergay .

Dalka Jarmalka ayaa Sucuudiga sideed gool khamiisyada kaga gubay,ka dib markii kulan loo goleeyey.

Wiilasha Reer-jarmal oo ah rag kubadda cabiiddo ku ah ayaa garan-waayey nimanku waa masakiine goolasha ka aayara, kuwaas oo siday wax ugu qulaaminayeen goolka Sucuudiga uu bigil hayihii ciyaartu ka qabtay.

Wiilasha Sucuudiga u ciyaarayey oo ahaa qaar ay carabtu aad u tuhunsanayd ayaa noqday kuwo guul-daro saayid ah u soo xawilay dalkooda.  Dalka Jarmalka oo ah dalka ilaa hadda ugu goolal badan, iyadoo ay mudadii ay ciyaaruhu socdeen la dhaliyey lix iyo Toban gool ayaa sagaal ka mid ah lix iyo tobankaa lagu hurdubay Sucuudiga oo keliya.

Hadaba, iyadoo ay ciyaari geli dambe tahay oo sucuudiguna aanu weli quus ahayn ayaan is idhi malaha xajkaba way soo baalmareen oo kamay soo ducaysan, laakiin dadka qaarna waxay sheegayeen inaan naadiga laftiisa qabyaaladi ka madhnayn oo boqoradu jilibo ku soo xuleen ragga meehsa marayey. Balse warar kale ayaa sheegaya in sababta naadiga sucuudiga loo badiyey ay tahay saruurad ka dhalatay bahal oon xoolaad la’aan ah oo digada ka dhigtay, taas oo la sheegay in haddii ay adhi Ber-beraawi cuni lahaayeen aan sidaa ba’an loogu badiyeen ee ya rag iska dhicin lahaayeen.

Cyaarahan oo weli kadhaa laysku hayo, Inkasta oo aanay shan-karoontu addinka ku ciyaarayn, balse ay isha ka ciyaarka aad u taqaan ayaa daawashadu ka xumaatay, ka dib markii ay barqo-weerar noqotay ee laydh iyo Telefishin laysla waayey.          

Caano Kaaga Danbeeye, Ciil Kaaga Danbee

Qiso ku saabsan xusuusta waayihii la soo maray

Q: 2aad _____Siciid I Guraase

 

Maalmaha waxa soo baxay oo la isla dhexmarayay in xoogaga SNM ay soo wadaan guluf ay ku soo galayaan gudaha dalka, dadka xamaasadoodu sare ayay u kacday, iyadoo uu wer-werna ku jiray.

Dhinaca kale waxaa farxad muujinayay dadka intii taageersanayd taliskii Siyaad Barre, kuwaas oo ahaa qaxootigii iyo soo gelaytigii dadkii la dejiyay. Waxaa ka muuqatay farxad iyo ray-rayn badan, iyaga oo rumaysnaa in laga takhalusay ururkii SNM ee ay u yaqaaneen “Qurmis”, waa horraantii bishii May 1988-kii, maalmahaana waxaa gabaabsi ahayd bisha barakaysan ee Ramadaan oo la soomanaa.

Galab ayaa nala ururiyay, iyada oo nalagu shubay xaruntii waaxda 26-ka June ee Hargeysa, halkaa waxaanu ugu tagnay dad farabadan oo iyagana la soo khasbay, goobtaa waxa laga tumayay durbaan iyo sacab xoog leh, mar dambe aya na soo galeen gurxan iyo guux gawaadhi badan oo is daba yaacaysay. Waxaa ka soo degay Jeneral Moorgan oo ay ku gedaamin yihiin koofiyad-cas ciidaa ka badan, sacabka iyo durbaanka ayaa isku yeedhay, taas oo dadka baqasho ka ahayd. “Huuhaadu digashiyo habsabaale weeyaan waana la isku hundo og yahay.”

Inyar oo maaweelo iyo heeso ay qaadayeen ubaxii kacaanku kadib, Moorganbaa markaa mikrifoonka lagu soo dhaweeyay. Wuxuu xidhnaa Suudh buluug ah oo aad u qurux badan, qoortana waxa ka laad-laaday sil-silad weyn oo dahab ah, taas oo lagu yaqaanay, si fiicana wuu u soo feedhay shaarubihiisii waaweynaa. Waxaa ag joogay inan dhallinyaro ah oo isaguna si fiican u lebisan. Khudbaddiisii-buu bilaabay; “Jalaayaal waad ogtihiin inaynu heshiis la galay dawladda Itoobiya, kaas oo ay kala saxeexdeen labada madaxweyne.

Taasi waxay soo af-jaraysaa cadaawadii inoo dhaxaysay, qolyihii Qurmista ahaa halkaasay ugu dhammaatay, qiil kalena uma furna inay dalkooda dib ugu soo noqdaan mooyee. Sidaa daraadeed waxaanu diyaarinay xafiis gaar ah oo lagu diiwaangelinayo ciddii soo noqota, qofkii xafiiskaa iska diiwaangeliyaa waa cafis, waxaanse idiinka digayaa jaalayaal inaad qarisaan inamadiina soo noqonaya, taasina waa dembi iyo khiyaamo qaran cafisna ma leh, inankan aad arkaysaan ee ila socdaa wuxuu ka mid ahaa innamadii la duufsaday ee ku biiray Qurmista. Dorraad ayay ciidamadeena xuduuda joogaa heleen isaga oo silcaya, markay ii soo sheegeen ayaan ku idhi ii keena, haatana gurigayga ayuu ku nool yahay inta uu reerkoodii helayo ee u tegayo.

Jaalayaal dalkeenu waa hodan ee aynu tabcano oo aynu macdanta la soo baxno, taasi waxay qayb ka tahay himilooyinkii uu u dhashay kacaankii barakaysnaa ee 21 October,” ayuu Yidhi Morgan oo ay ka muuqatay isku kalsoonaan iyo rajo uu ka qabay inuu hirgalo heshiiskii ay la galeen Itooobiya. “Dar Allee sidaa yidhi hadda wuu iskuna dayey inaan diiday cidi odhan, balse waxaanu kuba darin inaan sidaa dad laga helin.”

Madashii baanu ka soo dareernay iyadoo ay dadka wejigooda ka muuqatay murugo iyo naxdini. Talow muxuu xaalku noqon, maxayse ku dambayn. Waxa dadka taa kaga sii darnaa iyadoo hawada laga waayay idaacaddii Raadiyow Halgan oo ahayd ta keliya ee dadku ku nefisi jireen maqalkeeda iyo dhegaysigeeda, ayna kala socon jireen wararka halganka.

Xaaladdu way ka soo daraysay, yool-yool iyo yaac-yaac ayaa dadka ka muuqday, iyadoo ay maalmahaa bilaabantay in raashinka iyo wixii kale ee la heli karo la keydsado, sidaa darteed suuqyada iyo waddooyinka waxa ka muuqday buuq iyo taag-taagnaan.

Waxaa marba marka ka dambaysa sii xoogaysanayay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in xoogagii SNM ay diyaar uyihiin inay dalka soo galaan, balse shakiga taa laga qabay waxay ahayd sida ay ugu soo babac dhigi karayaan ciidamadii ka amar qaadanayay Siyaad Barre oo lagu tirinayay kuwa ugu xooga weyn qaaradda Afrika.

Waxaa isaguna halkii ka sii socday falalkii waxshinimada ahaa ee ay ku kacayeen ciidamadii Faqashtu, kuwaas oo dadka badhna laynayay, badhna xabsiyada ku gurayay, Ilaahayow mar uun naga furo ayaa dadka ka soo hadhay.

Dugsiyadii markaa waa fasax, dadka qaar ka mid ahina waxay bilaabeen in ay miyi u baxaan iyo goobaha magaalada ka fog, iyadoo ay halkaa marayso ayaa galab la arkay ciidamadii Faqashta oo yaac-yaac ku jira kuna gaashaaman Tikniko iyo hubka culus, gariirka iyo sanqadha hubka culus ayaa habeenkii meel fog laga maqlayay.

Si lama filaan ah ayaa looga warhelay inay xoogagii SNM ka hilaaceen oo qaybsadeen Burco xarumihii iyo talisyadii saldhiga u ahaa maamulkii ka amar-qaadanayay Muqdishona ay cagta mariyeen, iyaga oo ka dhigay wax la laayay iyo wax la qab-qabtay.

Maqalka warkaasi dadka farxad ayuu geliyay, balse waxa ka dhalatay cabsi wer-wer laga qabay aargoosiga uu ku kici doono taliskii Siyaad Barre.

Maalintaas oo ahayd Jimce, bisha May-na ay ahayd 27, waxa inyar ka kadib aanu maqalnay dhawaaq ka soo yeedhayay baabuur ay lahayd Idaacaddu ayna ku rakibnaayeen cod-baahiyeyaal waaweyni, “Dadka waxa la ogaysiinayaa in la soo rogay Bandoo ka bilaabmaysa 7:00 habeenimo kuna dhammaanaysa 7:00 subaxnimo. Sidaa daraadeed waa inay dadku u hoggaansamaan oo aanay guryahooda ka soo bixin, ciddii la arko iyadoo dibadda joogtana xabsiga ayaa loo taxaabayaa.” Weedhahan ayaa ka mid ahaa kuwa ka soo yeedhay dhinaca baabuurkaa, iyadoo ay wehelisay heesta; “Samadiidoow dabin baa kuu xidhan….”

La soco…….

Gabay—“Dabayl Caafimaad’.

Abwaan Jaamac Gaashaan-cadde


Ilaahow dadkaad naga dhigtiyol,

Diintaad nagu kaabtay.

Ilaahow dalkaad nagu dhaqdiyo,

Deeqdaad nagu siisay.

Ilaahow darkii mahadiyeen,

Daadin naga yeel.

Ilaahow kuwii daafacee,

Dalin naga yeel.

Ilaahow degaan nabad-gelyoo,

Doogsan naga yeel.

Duqii timacaddow duco allaan,

Kuu dalbanayaaye.

Ilaahow degaankii jannada,

Kuugu derejee.

Dul ahaan aduunkii hadaan,

Erey ku soo duubo.

Waa loo dardaar werinayaa,

Diir-madoobaha’e.

Ilaaheense nooguma daran,

Midab daraadiiye.

Diintii furqaaneed kufrigu,

Way durreeyaane.

Tawraad dar-xumaday badeen,

Muuse dabadii.

Dulmigii Injiil laga galay,

Doonayaan weli.

Dus-dus iyo khiyaanuu ahaa,

Doorka gaaladu’e.

Duulaan badheedhay wadaan,

Duhur dharaareede.

Dunidii islaamkuna hadday,

Kala danaysteene.

Dufan baa heshiis lagula galay,

Dalalka qaarkoode.

Ciraaq lama duqeeyeen haddana,

Kuurka loo degine.

Dabar-goynta Falastiin xigaal,

Uma dulqaateene.

Dagaal may yaraynine walaal,

Daafacaan jirine.

Jeejniya dubbaha lagu dhuftaan,

Cidi ka diirayne.

Duriyaha afgaan lagu ridee,

Dumiyey buuraha.

Dambas lagama yeeleenhaddaan,

Derisku naafayne.

Maraakib diyaarado siddiyo,

Kuman dabaabaad ah.

Dariiqyada ma gooyeen badaha,

Dunida qaarkeede.

Doonyaha ma baadheen siday,

Deyn ku leeyyihiin.

Dabbaal joogto iyo damac fog iyo,

Duur-xul baa jira’e.

Gaar ahaan dalkeenii haddaan ,

Kuu dulmaro sheeko.

Dadkii waa ku nool yahay haddana,

Way daleganyiine.

Dugsi ma leh wixi aad lahayd,

Waa dastur qarane.

Doontaad ka saartuu caqligu,

Weli dul yaalaaye.

Iyagoo dab kala qaataad,

Dunida joogteene.

Doorsoome qoonkaad ogoyd,

Daayinna u maqane.

Gaaladu aduunkay degtoo,

Diiday aakhiro’e.

Muslikuna jannaduu doonayaa,

Taa dambaa wacane.

Ummad aan dhannaba dooran baa,

Joogta degelkiiye.

Waa shicib dhankii lagu dayaba,

Loo dareersado’e.

Waa shicib daluumaha ku dhaca,

Loo diyaarsadaye.

Waa shicib dadnimadooda qira,

Geeri dabadeede.

Waa shicib degdega oon lahayn,

Daymo feejigane..

Isku diridda gudahooda waw,

Dhego daloolaane.

Dabka culus markii lagu riday,

Dumar ciyaareene.

Hadba kooda dhiig daadiyey,

Ubax dul saaraane.

Denbiyadaba waxa lagu helaa,

Doorashiyo iyo guule.

Weliyaaba noo daahiray,

Debedda geeyaane.

Waxay qoloba dabajoogsataa,

Daalinkii gubaye.

Billad dahabta waxa loo xidhaa,

Hooyadii dila’e.

Oo weliba deeq iyo abaal,

Loogu darayaaye.

Dugsi ma leh wixii aad lahayd,

Waa dastruur qarane.

Doorsoome qoonkaad ogayd ,

Daayina u maqane.

Qabiilkoo jahligu daajiyaad,

Daaya na lahayde.

Aqoonyahan u doodaaya iyo,

Janan difaacaaya.

Isagoo distoor iyo sharci leh,

Daayin kuma joojin.

Dugsi baarlamaanoo ku yimi,

Doorashad reerka.

Oo haddana duruus looga dhigay,

Daayin kuma joojin.

Guurti dhaqanka daadihisa oo,

Duco ku miisaaman.

Oo duudsiga aqoon baad,

Dunida joogteene.

 Iyagoo ka dawlad ah cariga,

Daayin kuma joojin.

Marag doolar lagu iibsadoo,

Gubay damiirkiisa.

Oo kii denbiilaha ahaa,

Daalac wax u raaco.

Maxkamad dulmi xaakin yahay,

Daayin kuma joojin.

Isagoo daliilkki quraan,

Daayin ku caddeeyey.

Iyagoo digrigiyo bateen

Culimadii Diintu

Xaqa dumarka waxa laga dalbaa

Dawga gaaladda’e

Iyana diirka soo hoodhyey

Kula dardaarmaan

Waxa midabka lagu dooriyaa

Baras dukaan taallaaye

Doqon iyo habeenbaa madow

Daayin kuma joojin

Duco-yeel laga maagiyo mudnaan

Dakharro loo yeelay

Isna darajadiisii ka tegay

Daayin kuma joojin

Suldaan jeelka loo diraya’oo

Lagu damaashaadaayo

Dhaqan aabihiisii la dilay

Daayin kuma joojin.

Booligoo dab iyo naar ah

Baad dunida joogteene

Xeedhada doc qoys taalla ee

Xidhan daboolkeeda

Ee ay dul joogaan xaqlihii

Daayin ku manaystay

Ku duguun dheh kaagama dartee

Waa laguu dariye

Xaarraan qorshaha lagu darsaday

Daayin kuma joojin

Dugsi ma leh wixii aad lahayd

Waa dastuur qaran

Doorsoome qoomkaad ogeyd

Daayin u maqan’e

Durdur kama dhacaan

Culimadii diinullaahigu’e

Dugsiyada quraankiyo iyo cilmigu

Waa daf iyo midhiqe

Sida hogol darroorta tafsiir

Laga diraabaaye

Balse kala dambayntii islaam

Dumiye kooxuhuye

Isku duubnidii la ina faray

Kuma dedaallaan

Dariiqooyin kala jaad ahoo

Doodayaa badane

Mid waliba dan ay leedahay

Ugu dugashaaye

Waa looga digayaa malaha

Dawgal baa jira’eh

Welinimo la doondoonayaa

Dunida waa u kow’e

Anaa qayb ka daalacanoo

Samada duullaaya

Nin ku yidhi dhulkaan duubayaa

Daayin kuma joojin

Dumar iyo rag duul wada fadhiya

Daramal dheelaaya

Oo aan durbaan iyo wiqli iyo

Sacab ku daalaynin

Oo daakiraadiyo ogeyn

Waagga daalacayba

Oo inay daliilna u helaan

Weliba doonaaya

Ilaah baa qalbiga daalacdoon

Laga dahsoonayne

Digri aan salad lagu darayn

Wayga degi waayey.

Shanta diin islaamee ilaah

Muumin ugu deeqay

Sekadii wax daahirin lahayd

Culimo diidaysa

Iyaguna dal kale tuu lahaa

Debed ka soo qaatay

Oo in ay daliilna u helaan

Weliba doonaaya

Ilaah baa qalbiga daalacdoon

Laga dahsoonayne

Diin waa salaaduun la yidhi

Way iga degi wayday

Allihii ku dayda ina yidhi

Daaha nebigeena (c.s.w)

Isagaa danteeniyo yaqaan

Dawga guusha leh

Dariiqada midnimada iyo xaquu

Nagu dardaaraaye

Duco jamac ah iimaan dafiray

Daayin kuma joojin

Dugsi ma leh wixii aad lahayd

Waa dastuur qarane

Doorsoome qoomkaad ogeyd

Daayina u maqane

Dayacnaantan waxa noogu wacan

Duudsi gaamuraye

Duqdii geel tumi lahaa

Way durdurisaaye

Dambeedada ku yaallay jaqdaa

Dib isu nuugtaaye

Duul siyaasi lagu sheegayoon

Digigixoonaynin

Oo aan dabkooduba baxayn

Tan iyo duumaale

Oo aan dalkaba oollinoo

Dibad u sii guuray

Oo hadday tani duntana

Dumar ka ooyaynin

Oo aan duruuftiyo ogeyn

Shicibkan diifaysan

Markay doorashada uun maqlaan

Dabarka soo goosta

Oo degelo noo qaybiyaa

Daarta noo galaye

Tii dabaqa dheer fuushayee

Subagga daacaysay

Ee shaqaalaheedii dar-xumo

Debed baxeen gaajo

Ee tidhi “maxay doonayaan

Duulkan bahaloobay”

Ee la yidhi “waxay doonayaan

Roodhi loo dubo”

Ee tidhi “Dad baan korinayaa

Aan dawo lahayne”

Inta furinka duugiyo rabshada

Loo durbaan tumayo

In ay keegan darayga ah cunaan

Ma anagaa u diidnay.

Qaar taa ka sii durugsanoo

Digasho heesaaya

Oo daah madow noo xidhaa

Daarta noo galay

Qaar aan Hogaan dawladnimo

Darajadeed gaadhin

Oo dirashadoodii ka jecel

Sharafka loo doortay

Oo diradiraale iyo ku nool

Duminta hoygooda

Oo hoos u daadegga ilaa

Dumarka saygooda

Oo dulqaad caruureed leh baa

Daarta noo galay.

Haddii uu damane yahay jagada

Shicibka kuu doortay

Oo ay daacad kaa moodayaan

Dabinadaad qooshto

Oo uu kuu dabaaldego markaad

Dacarta leefsiiso

Mar uun baa Illaahay dartii

Lagu dabaalmaaye

Naxariisba qaar daayay baa

Daarta noo galay

Diinaar la waayaa ileyn

Dawladaa rida’e

Koox duubiyada feenatoo

Diirtu ka cadhootay

Oo lafaha u sii dudaya baa

Daarta noo galay.

Dugsi ma leh wixii aad lahayd

Waa dastuur qarane

Doorsoome qoomkaad ogeyd

Daayina u maqane

Dal-jir iyo wadaad kama hadlaan

Doodda qarameede

Dabuubtooda waa laga naxaa

Laga dareeraaye

Dacwooyin baa ridaaye

Dadar la siiyaaye.

Dooroonayaashii halgamay

Dayday loo bixiye

In ay dawladdaba leeyihiin

Doqoni waa mooge

Qayrkaa xilkii uu dayacay

Eed ka doodaysay

Waataad digniintii ku tidhi

Deelkii maansada’e

Halina waa dacwadayda

Dawlad soo gashay ma ihine

Danteenaa laba diiddadaye

Duqaydii baarlamaankay

Dabuub aanu maqlaynay

Dacwad baan ka qabnaaye

Dugsigii baarlamaankiyo

Dekaddii xamar baa leh

Berbera daadku ha qaado

Dooniyi yaanay ku leexan

Labadaa kala daayoo

Yaan loo daymo la’aan”

(Maantana Sirtii lagu dabbaqay

Daahu saaraaye)


La soco…………..

DAYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

Cumar Daahir Cumar

Ilaalinta Iyo Daryeelka Degaanku Waa Samaha Nolosha Dunida

Berri 5, June, 2002, waa maalinta degaanka ee adduunka

 

Marka la isku Daro hawada, biyaha iyo dhulka aynu ku nool nahay ayaa ah erayga degaan. Saddexdan oo ah kuwa laf-dhabarta u ah nolosha dad, dhir iyo noole ee ka jira dunida aynu ku nool nahay.

Degaanka oo la daryeelo waxay ujeedadu tahay in laga ilaaliyo waxyaabaha degaanka faa’iidada leh u beddeli kara marka ay soo dersaan mid halis u leh nolosha iyo caafimaadka dadka iyo noolaha kale.

Waxaa xaqiiq jirta ah in ay dadku iyagu ficiladooda ku wasakhaynayaan hawada, biyaha iyo dhulka lagama maarmaanka u ah nolosha ka jirta kawnka aynu ku nool nahay. Wasakhayn degaan macnaheedu wuxuu yahay biyaha, hawada iyo dhulka oo yeesha Aalado halis caafimaad leh.

Berri oo ay bisha June tahay 5, 2002, waa maalin sannad walba la xuso degaanka adduunka, maalintaas oo inta badan la is xasuusiyo xaaladda uu ku sugan yahay degaanka aynu ku nool nahay, waxa la sameeyaa tallaabooyin iyo wacyigelin wax-tar u leh same-ugu-noolaanshaha degaanka.

Hawsha lagu daryeelo degaanka ee guud ahaan dunidu waa mid aad u hoosaysa marka loo eego waxyeelada baaxadda leh ee ku dhacaysa degaanka, sidaa ayay Somaliland qudheedu ayna isku miisaanayn dhibaatada iyo ku xad-gudubka loo gaysanayo degaanka inoo ah halbawlaha nolosheena iyo hawlaha wax lagaga qabanayo dhibaatadaas.

Hawsha daryeelka degaanku waxa ay u baahan tahay in si aan waxyeelo u lahayn loo isticmaalo Badaha, biyaha kale ee ku jira dhulka, dhul-beereedka, bannaanka, buuraha, kaymaha, daaqa, kalluumaysiga iwm.

Si loo helo badbaado degaan oo ka foyow waxyaalaha halista u ah noolaha iyo burburinta qaabka dabiiciga ah ee degaanka waxa loo baahan yahay farsamo iyo qaab-maamul lagu farsameeyo wasakhaha ka yimaada aaladaha ay dadku u isticmaalaan danaha nololeed sida baabuurta, mashiinada laydhka, wershadaha, hadhaaga weelka cabidda iyo cuntooyinka loo isticmaalo, bacaha, sigaarka, sunta cayayaanka iyo hadhaaga Niyuukliyeerka iwm.

 

Si ay suurtogal u noqoto qorshe lagu daryeelo degaanka waxa loo baahan yahay in macluumaad fiican laga hayo tirada dad ku nool degaankaa, qaabka wax-soo-saarka ee bulshadaa iyo qaab-dhaqanka bucshirad isticmaalka ee bulshadaas. Waxa intaa raacaya sida ay arrimahani isugu xidhan yihiin, marka macluumaadkaa la helo waxa suurtogal ah in loo xulo degaankaas farsamooyinka ku habboon si loo daryeelo degaankaas.

Si ay u korodho faa’iidada daryeelka degaanku waxa habboon in la isticmaalo is-bar-bar wad hawlaha lagu daweynayo waxyeelo degaan oo hore ugu habsatay degaankaas iyo kahor-tag laga hortegayo dhacdooyin aafo degaan oo uu hab-dhaqanka socdaa u keeni karo hawada, biyaha iyo dhulka.

horumarinta daaqa iyo degaanka ee Somaliland ayaa diyaar-garaysay barnaamij laba maalmood socon doona 5-6 June, oo ka dhici doona Hargeysa, barnaamijan oo subaxnimada 5 June ka furmi doona jaamacadda Hargeysa waxa lagu soo bandhigi doonaaa barnaamijyo maqal iyo muuqaalba leh oo lagaga hadlayo degaanka, laguna xusayo maalinta 5-ta June ee degaanka adduunka.

Barnaamijkaas wasaaradda horumarinta iyo daaqa waxa kale oo u qorshaysan in olole lagu qaado bacda la isticmaalay ee ku baahsan suuqyada iyo xaafadaha magaalada Hargeysa. Bac ururinta waxa ka qayb-qaadan doona ka qaybgalayaasha xafladdaas loo agaasimay xuska maalinta degaanka adduunka ee 5 June, waxaa iyana dhici doonta dhirayn lagu samayn doono xaafadda degaanka cusub ah ee ku taala koonfur-galbeed Hargeysa, xaafaddaas oo lagu naanayso (Qandahaar).

Qof wal oo ka qaybqaata hawlaha xuska 5-ta June ee degaanka wuxuu yahay qof taageeray daryeelka degaanka oo runtii saamayn ku leh jawiga caafimaad ee ka jira degaanka aynu ku nool nahay.

Dhinaca kale xuska 5-ta June 2002, oo si ballaadhan looga soo qaybgalaa waxay turjumid wanaagsan ka bixinaysaa sida guud ahaan reer Somaliland, gaar ahaana reer Hargeysa u dareensan yihiin maqaamka iyo muhiimada uu daryeelka degaanku u leeyahay nolosheena.

Dunida guud ahaan waxyeelada degaanka soo gaadhaa waa mid leh saamayn muuqata, haddana waxay dunidu ku kala duwan tahay baaxadda waxyeelada soo gaadha degaanka iyo sababaha keena waxyeeladaas sida waddamada wershadaha leh iyo waddamada soo koraya ee ay Somaliland ka mid tahay.

Hawsha ilaalinta iyo daryeelka degaankeenu (Somaliland) waa mid u baahan in si wadajir ah la isaga kaashado, qof shicib dawlad, iyo hay’adaha daneeya daryeelka degaanka, iskaashigani wuxuu u baahan yahay in aragti isku mid ah ama isku dhow-dhow laga lahaado qaababka lagu daryeelo degaankeena ama lagaga hortegayo waxyeelada ku iman karta.

Degaanka oo ah arrin si siman waxyeeladiisu u saamayso dadka ku nool degaankaas, ilaalintiisana faa’iidada ka dhalataa ay dan u tahay dhammaan dadka ku wada nool degaankaas.

Ilaalinta iyo si habboon u isticmaalka khayraadka dabiiciga ah sida Badda iyo khayraadkeeda, dhirta, carrada, dooxyada, ugaadha, daaqa waa wax-tar uu midhihiisu markaaba u muuqan karo ummadda dhaqaalaysatay.

Daryeelka degaanka waxa ka mid ah adiga oo qof ahaan ka ilaaliya hawada aad ku nooshahay, biyaha iyo dhulka degaanka ee aad ku dhaqan tahay waxyaalaha marka ay la fal-galaan keena waxyeelo caafimaad oo la derista noolaha ku nool degaankaas.

Waxa suurtogal ah haddii ay dad badan oo reer Somaliland ahi ku sii socdaan qaab-dhaqankooda moog waxyeelada gaadhaysa degaankooda nololeed iyo khayraadkiisa dabiiciga ah in maalin maalmaha ka mid ah dhibaatadaasi gaadhi doonto qof kasta iyo meel walba, sidaa daraadeed waa in aynu u fahamnaa in daryeelka degaankeenu yahay lama huraan, “Ilaalinta iyo daryeelka degaanku waa samaha nolosha dunida.

 

Farriin

Ka qaybgalka olole loogu talogalay

5-ta June, maalinta degaanka adduunka.

Waxaad kaga qaybgashaa walaal: adoo hal ilbidhiqsi siiya maalinta 5-ta June ee loogu talogalay xasuusinta degaanka.

Ugu deeq inaad hal bac dhulka ka qaado, waxaad markaa yaraysay intii gaadhaysay degaanka.

Waxaad badbaadisay geed ama neef xoolo ah oo ay bacdaasi dili lahayd.

By Nakruma DHH/ Cumar Daahir Haatuf.

WAADIGA CIYAARAHA

Brazil Oo Dirqi Ku Dhaaftay Turkiga

 

Ulsan, K.Kuuriya (Reuters) – Rigoore uu Rivaldo dhaliyay iyada oo saddex daqiiqadood ka hadhsan tahay waqtiga ayaa keenay in Brazil 2-1 ku badiso kulan muran ka dhashay, iyada oo ciyaartana debedda ka dhigtay laba ka mid ah ciyaartoyga Turkiga kulankii ugu horreeyay ee ay yeesheen koobka adduunka.

Difaaca Turkiga Alpay Ozalan ayaa minjo-xaabiyay Luizao, oo garoonka beddel ku soo galay, iyada oo lagu gudo-jiro xerada ganaaxa, waxaana markiiba lagu abaal-mariyay kaadhka cas.

Turkiga ayaa ku gacan-sayday go’aankii uu qaatay garsoorihii ciyaarta dhexdhexaadinayay ee Kinyoung-Joo, oo u dhashay Koonfurta Kuuriya. Ilbidhiqsiyo kahor intii aanay ciyaartu dhammaan ayaa markale kaadhka cas la siiyay Hakan Unsal, oo isna khalad ka galay Rivaldo oo ahaa ninkii dhaliyay rigoorihii guusha daqiiqaddii 87aad.

Weeraryahanka dhaawacyadu daashadeen ee Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee tartan caalami ah muddo saddex sannadood ku dhow, kaas oo uu ku barbarreeyay shan daqiiqadood kadib bilowgii qaybtii labaad ee ciyaarta.

Turkiga oo muddo 48 sannadood ah markii ugu horraysay ka soo qaybgalay koobka adduunka ayaa gooldhalinta kaga hormaray kooxda afar goor ku guulaysatay koobka adduunka, kadib markii uu weeraryahanka Hasan Sas u dhaliyay intii lagu jiray waqtigii lumay ee ciyaarta qaybteedii hore.

Ronaldo ayaa soo bandhigay wacdarihii ciyaareed ee uu ku kasbaday inuu laba goor ku guulaysto xiddignimada adduunka. Wuxuu ka saa’id caleeyay difaaca, balse waxa si joogto ah ugu babac dhigay goolhaye Rustu Recber. Shantii daqiiqadod ee ugu dambeeyay qaybtii hroe ee ciyaarta Rustu wuxuu badbaadiyay saddex khatarood oo Brazil kaga yimi, iyada oo Turkigu isla markaa dhaliyay fursad uu ka helay. Goolhayaha kooxda Fenerbahce, wuxuu laba fursadahaa ka mid ah ka qabtay Rivaldo, halka uu ta saddexaadna ka difaacay Ronaldinho oo difaaca ka dhex dusay.

Rustu oo u qaybsqami waayay ilaalinta Rivaldo iyo Ronaldo ayaa muddo afar daqiiqadood ah waab-waabiyay, balse waxay dalooliyeen daqiiqadii shanaad markii kubbad uu Rivaldo ka soo rogaalay dhanka bidix uu Ronaldo la jiidhay saddex difaaca, kadibna si sharci ah ku dhaafiyay goolhaye Rustu.

Ronaldo ayaa si joogto ah u soo dhaafayay difaaca, balse waxa markasta waabinayay Rustu.

Brazil laba goor oo dambe ayay heshay fursado goolal noqon karayay. Hase yeeshee, waxaa laf dhuun gashay ku noqday Rustu. Fursado hore wuxuu ka qabtay Lucio, oo uu kajoojiyay fursad dad badani u arkayeen mid gool noqonaysa, isaga oo markalena waddada cabsiiyay Juninho.

Tabobaraha Turkiga Senol Gunes ayaa mid qayrul-sharci ah ku tilmaamay rigoorihii guusha lagaga xayuubsaday, wuxuuna eediisa u xambaariyay garsoorihii ciyaarta dhexdhexaadinayay oo dhalashadiisu K. Kuuriya ahayd.

Tabobaruhu wuxuu ku andaconayay in kubadda loo qabtay aanay rigoore ahayn, khaladkuna ka dhacay meel debedda ka ah xerada abaal-marinta. Isaga oo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Anigu maan joogin kaalinta garsoorka, waxaanu ilaalinaynay Brazil, laakiin maanu xukumi karayn garsooraha. Waxay arrintu ka dhacday debedda agagaarka xerada ganaaxa, garsooraha laftiisuna debedda ayuu iska joogay, waxa uu qabtayna may jirin.”

Inkasta oo tabobaruhu dedefeeyay sharcinimada rigoorihii lagaga badiyay, haddana muu dafirin inta badan ciyaarta lagaga gacan-sarreeyay. “Qaybtii hore waxaanu seejinay fursado badan, laakiin qaybtii dambe waanu daalay oo ciyaartii waa nalagala wareegay, waxaanu u baahnayn ilaa laba gool oo kale, laakiin nooma suurtogelin,” ayuu yidhi Gunes.

Tabobaraha xulka Brazil Scolari ayaa isagu difaacay eeda loo soo jeediyay garsoorihii ciyaarta, wuxuuna sheegay inuu wax khalad ah ku kicin oo uu si caddaalad ah u shaqeeyay. Scolari wuxuu sheegay inaan kooxdiisu khaladaad la’ayn marka la eego fursadihii ay lumiyeen intii ciyaartu socotay. Isaga oo sidoo kale difaacay dhaliil kaga timi xagga dadweynaha markii uu beddelay Ronaldo. Tabobaruhu wuxuu beddelka Ronaldo ku sababeeyay inuu daalay oo aanu ciyaarta sii wadan kareen.

Dhinaca kale tabobaraha Brazil wuxuu qiray tayada ciyaarta Turkiga.

Italy 2, Ecuador 0

Weeraryahanka kooxda Inter Milan Christian Vieri, ayaa dhaliyay laba gool oo Tayaanigu kaga adkaaday xulka Ecuador oo ay wada yeesheen ciyaartoodii ugu horraysay ee koobka adduunka, halka ay Mexico oo ay isku qayb ku jiraana 1-0 kaga adkaatay Coroatia.

Vieri wuxuu markale soo nooleeyay kaalinta gooldhalinta, markii uu lugtiisa bidix ku dhirbaaxay kubbad uu soo dhigay Francesco Totti, daqiiqadii toddobaad ee ciyaarta.

Isla daqiiqaddii 27aad ayuu markale dhaliyay gool labaad oo uu si deggen ugu raaxaystay kubbad uu goolka kaga laaday qiyaas aan wax weyn ka durugsanayn.

Afar sannadood kahor ayuu Vieri hoggaanka u qabtay weerarka Talyaaniga, markaas oo uu dhaliyay shan gool, wuxuuna ciyaaray shan kulan.

Ecuador, oo ay hadda ugu horrayso ka qaybgalka koobka adduunka waxay u adkaysan weyday khibradda Talyaaniga oo saddex goor oo hore ku guulaystay koobka adduunka.

Talyaanigu wuxuu kulan labaad la yeelanayaa kooxda Croatia oo ay iska hor imanayaan Sabtida, halka ay Ecuador-na wada ciyaari doonaan Mexico maalinta Axadda ah.

Zidane Oo Ku Taliyay Inaan Khatar Lugaha Loo Gelin

 

Seoul (Reuters) – Ciyaaryahanka fursadaha abuura ee Zinedine Zidane ayaa ka maqnaan doona kulanka Uruguay, haddii aanu si buuxda uga soo kabanin dhaawacii gaadhay, ciyaaryahanka Faransiiska ahi wuxuu sidaa caddeeyay Isniintii oo uu waraysi siiyay wargeyska ‘Marca’ oo ah maalinle ka soo baxa dalka Isbaanishka.

“Waxaan u shaqaynayaa si adag, waanan rajaynayaa inay taasi ii suurto-gasho, laakiin haddaan taasi dhicin kubadda cag ma saarayo, waayo waa arrin u fiican ragga aanu isku kooxda nahay,” ayuu yidhi Zidane oo ka warramaya mawqifkiisa ku aadan ciyaarta ku soo foolka leh xulka uu ugu xooga weyn yahay.

Zidane wuxuu intaa intaa ku daray oo uu yidhi; “Faransiisku waxay badiyeen ciyaaro badan oo aanu ka maqnayn aniga iyo ciyaartoy kaleba.”

Sidoo kale tabobaraha Faransiiska Roger Lemerre ayaa isna la qaba fikradda Zidane, wuxuuna wax aad loola yaabo ku tilmaamay haddii Zidane safto kulanka Uruguay.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Lemerre, ayuu ku caddeeyay inaanu ku khamaari doonin aayaha ciyaartoyga Faransiiska loogu jecel yahay ee Zidane, tan iyo inta laga ogaanayo inuu si rasmi ah uga soo kabtay dhaawacii gaadhay shan maalmood kahor.

Tabobare Lemerre wuxuu kaluu intaa ku daray inuu ilaalinta Zidane u bixin doono ciyaartoyga khadka dhexe ee Johan Micoud.

Faransiisku wuxuu ku dedaalayaa sidii ay suurtogal ugu noqon lahayd in aanay ka xidhmin daaqadda rajadu marka ay la ciyaarayaan Uruguay oo ay 2-1 kaga adkaatay Denmark.

Kulankaas oo dhacaya Sabtida soo socota waxa ugu xiga kulanka ay Denmar la yeelanayso 11-ka bishan June.

Kooxda difaacanaysa koobka adduunka waxaa walaac weyn ku abuurtay guul-darradii Jimcihii oo ay 1-0 kaga adkaatay Senegal oo markii ugu horraysay taariikhda ka soo xaadirtay ciyaaraha koobka adduunka.