Haatuf, Cadadki 95, June 12, 2002

 

Wefti Wasaaradda Difaaca Dalka

Britain Oo Booqasho Ku Yimi Somaliland

 

Hargeysa (Haatuf): Wefti ka socda Wasaaradda Difaaca ee Britain, ayaa shalay booqasho ku yimi dalka.

 

Weftigan oo ka kooban Charles Comyn oo ah u qaysanaha arrimaha Milateriga ee Safaradda Britain ku leedahay Addis Ababa, Camilla Derovet iyo Geossrey oo ah nin iyo haweenay labaduba ka socda wasaaradda Digaaca Ingiriiska, kana soo kicitimay London, halka Mr. Charles uu ka soo raacay Addis Ababa.

 

Weftigan waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyay, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Difaaca Somaliland, waxaana xalay casho loogu sameeyay degmada Gebilay.

War rasmi ah oo faahfaahsani kama soo bixin weftigaas iyo ujeedada socdaalkooda, hase yeeshee warar dhinaca Madaxtooyadda iyo weftigaba aanu ka helay, ayaa sheegay in weftigu uu u socdo arrimo Milateri oo aan tafaasiil laga bixin.

 

Sarkaal ka tirsan weftiga oo aanu xalay telefoon kula xidhiidhnay, wuxuu ka cudur-daartay inuu wax war ah bixiyo, waxana uu si kooban u yidhi; “Waxaanu u soconaa in aanu Maamulka Somaliland kala xaajoono arrimo la xidhiidha Difaaca.”

Weftigu waxa ay maanta la kulmayaan Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Wasiirka Difaaca Mudane Axmed Cali Maxamed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Somaliland.

 

Wasiirka Difaaca, Mudane Axmed Cali oo aan isagana xalay wax ka weydiinay arrimaha weftigaas, ayaa sheegay in aanu weli wax war ah ka haynin, balse uu maanta la kulmi doono.

Weftigani waa kii u horeeyay ee noociisa ah ee Britain u soo dirto Somaliland, kow iyo tobankii sannadood ee ay ka madaxbannaanayd Soomaaliyadii burburtay ee ay la midowday 1960-kii.

Britain waxa ay safka hore kaga jirtaa, ololaha Maraykanka ee la dagaalanka argagixisada, waxayna dhawaan wareejisay hogaaminta Ciidanka Xullifada ee ka dagaalamayay Afgaanistaan oo ay ku wareejisay dalka Turkiga oo isagu hadda hoggaanka u haya Ciidanka Is-bahaysiga.

 

Waxa kale oo ay Britain, Ciidamo kooban iyo diyaarado kuwa wax basaasa ah u soo dirtay mandaqaddan Geeska Afrika, kuwaas oo hadda ku sugan dalka Kenya, isla markaana kulaalaya Soomaaliya, sahannona ku galaa-baxa badweynta Hindiya oo looga baqa-qabo in Al-Qaaciido firxad ahi ka soo galaan Soomaaliyada dagaaladu aafeeyeen.

Waxaana la filayaa in booqashada weftiga Milateri ee Britain aanu ka taganayn, hawlaha Milateri ee xulifaddu ka waddo Geeska Afrika.

Djabuuti Goormay Xeryo U Furtay

Dadkii Somaliland Ka Qaxay 1988—1991

Faallo – Cumar Daahir Cumar

 

 

Waa hubanti in dad badan opo udhashay Somaliland ay galeen dalka Jabuuti xiliyadii ay dagaaladu ka qarxeen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sida: Hargeysa iyo Burco, waqtigaas oo ahayd sannadkii 1988-kii waxay ahayd markii ay gulufyada dagaal gudaha magaalooyinka ku soo galeen ciidamadii dagaal yahanka SNM, iyadoo ay dagaaladaasi aakhirkii ku fideen degaamada Somaliland oo dhan ,markii ay dambena ay saamayn weyn ku yeesheen dhulkii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed oo dhan, laakiin marka la eego xaaladaha ay dadkaasi ku geli jireen dalka Jabuuti iyo dadkaas oo ku jooogi jirey hab aan sharci ahayn ma uu jirin qaab ay dawladda Jabuuti ku qaabishay dadkii barakacay ee hab-qanka ku galay dalalka jaarka ah sida Itoobiya oo si caalamiya u baahan jirtay barakaca dadkaa, laakiin muu jirin baaq caalamiya oo ay Jabuuti dunida u dirtay si looga caawiyo qaxootigii kaga soo jabay dhinaca Somaliland, waxaana la rumaysan yahay inay sababtu ahayd dawladda Jabuuti oo xiligaa ixtiraam u haysay maamulkii ka jiray Jamhuuriyaddii Somaliya. 

 

Sidaa darteed dadkaasi may helin xeryo qaxooti iyo sharci kale oo ay ku joogaan dalkaa, waxayna dadkaasi ku tiirsanaayeen nolol ahaan dadka ehliyadooda ah ee ku nool Jabuuti ama meelo kale, waxaase dhici jirtay in mararka qaarkood la qab-qaban jiray , loona masaafurin jiray degaamo ay ka talin jirtay xukuumadii ay ka qaxeen ee Somaliya , taasina waxay sababtay inay dad badan naftooda galaafato .

 

Run ahaantii marka ay dawladda Jabuuti ku talaabsan jirtay qabqabashada dadkaa way iska indho tiri jirtay xaaladda cadaawadeed ee ka jirta mandaqadda ,iyadoo aanay masuuliyiinta Reer-jabuuti waxba ku seeganayn waxa meesha ka dhacayey.

 

Marka aynu arintan eegno xogta runta ah ee ka jirtay Djibuuti intii u dhexaysay sannadihii 1988—1991 waxay ahayd meel aanay ku cadayn baaq iyo xeryo rasmiya oo ay dawladda Jabuuti u furtay guud ahaan dadkii ka qaxay Somaliland, laakiin waxa dhici karta in nidaamka Jabuuti uu leeyahay qaab aan la mid ahayn kan caalamiga ah ee qofka loogu tixgeliyo ogolaanshaha dal ku galka ama logu diido .

Sida aan ku arkay tuulada Galiila oo ku taal Xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Jabuuti sannadkii 1991-kii,taas oo ay askarta dawladda Jabuuti ee Xadka joogtaa dadka Jabuuti doonaya inay galaan waydiinayeen magac qabiil, halkii ay ahayd in la waydiiyo waraaqo aqonsi.

 

Marka la eego arimo badan lama wada rumaysan karo inay Jabuuti furtay xeryo qaxooti oo bini’aadminimo loogu furay dadkii ka qaxay Somaliland, islamarkaana lama wada beenin karo, waxayna dadka qaar tilmaameen inay xeryaahaa wax ka jireen, laakiin ay ahaayeen xeryo loo furay ujeedooyin badan oo ay ka mid yihiin: Ta koowaad waxay wararka qaarkood sheegayeen inay dadka ay dawladda Jabuuti xer-yaha u furtay ay ahaayeen dad ay wax gaar ahi ka dhexeeyeen maamulka Jabuuti.

 

Waxa kale oo carabka lagu dhuftay indadkaa loo ururiyey inay noqdaan xoog fuliya dano Siyaasadeed oo u gaar ah maamulkii Jabuuti ka jiray oo laga lahaa dhinicii Somaliland.

Arintu sida ay doonto ha ahaatee waa hubaal inay Somaliland soo dhowayn doonto qaxooti u dhashay dalka oo soo guryo-noqonaya.

 

Hayadda UNHCR ee qaxootiga qaabilsanina way ku mahadsan tahay haddii ay gole keentay hindise ay ku taageerayso dad qaxooti ah oo dalkoodii dib loogu soo celinayo , laakiin xogta, tirada iyo xaqiiqada jirta ee ku saabsan qaxooti la huwiyey magaca Somaliland oo ay dawladda marti gelisay saamayn aan wacnayn ku leedahay qadiyadda dagaaladii keenay barakacaa, waxay taasi u baahan tahay in si adag looga dignaado bal inay arintu hulaaban tahay dano qarsoon oo waxyeeli kara deganaanshaha Somaliland ee dhulka la doonayo in lagu soo celiyo qaxootigaa . 

 

Hase yeeshee waxa iyana taa ka sii mudan in si weyn wax looga qabto tas-hiilaadka nololeed ee ay dadkaasi u baahan yihiin sida: biyaha, Waxbarashada, caafimaadka, wadooyinka IWM., iyadoo laga yaabo in degaamada dadkaa lagu soo celinayaa ay yihiin meelo qorfe adag ah oo ay is-gaadhsiinteedu liidato, waxayna runtu tahay may jirin xeryo qaxooti iyo baaq qaxooti oo ay dawladda Jabuuti xiliyadaa dunida u jeedisay si ay u samayso caawimo bini’aadminimo oo loo siman yahay, waxaana weliba jirey xad-gudubyo dhinaca bini’aadminimada ah oo dadkii halkaa u firxaday loo gaystay, taas oo xataa sababtay dhimashada nafo badan oo aan waxba galabsan, iyadoo ay waxyaalihii dhacay ka mid ahaayeen dad inta la soo raafo lagu daadiyo meelo gerigo’an ah oo aanay nololi ka suurobayn iyo iyada oo inta la raafo gacanta loo geliyo cid cadow u ah oo aan bixinayn.

 

“Aniga Iyo Saleebaan Ma Aha In

Laga Dhigo Sidii Wax Ka Isku Xoqayo”

 

Axmed Siilaanyo – Waraysi

 

Intiinii akhrisatay cadadkayagii shalay waxaanu idinku soo gud-binay qaybtii hore ee waraysi uu telefishinka Hargeysa la yeeshay siyaasiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE.  Sidaa awgeed waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee waraysigaa oo uu Axmed-siilaanyo kaga jawaabayo su’aalo door ah laga waydiiyey dhinaca Siyaasadda, waxaana su’aalahaa ka mid ahayd su, aal ahayd inaanu Axmed intii uu Madaxweynihii hore noolaa diyaar u ahayn inuu xisbi samaysto, laakiin ay taasi ku dhalatay ka dib geeridii Madaxweynihii hore, wuuxuuse su’aashaa kaga jawaabay “ Horta wuxu waa siyaasad oo wax walba waa la iska cabirayaa, laakiin ururkan samayskiisu waxa uu ku soo beegmay waqti ay xidhmayso mudadii loo qabtay diiwaan-gelinta xisbiyadu, sababta ugu weyn ee aanu xiligaa u furnayna waxay ahayd waqtigii oo  naga dhacayey. Dhinac kale haddii loo gudbona dabcan marar badan waa lagu xisaab-tamayaa sida ay xaaladda dalku u socoto iyo sida uu waqtigu u soconayo, hadii ay meeshu u muuqato inaanay doorasho xor ah ama xalaal ahi ka dhici karayn dabcan qofku waa ka fekerayaa, markaa waqtigii ay ku soo beegantay inaanu furno ururkayaga waqtigaa ayey noqotay”.

 

Axmed waxa kale oo la waydiiyey su’aal la xidhiidha xiligii uu ku jiray hindisihiisii dhex-dhexaadinta, taas oo lagu yidhi taa waxa laguugu xaman jiray inay kuu ahayd sahan Siyaasadeed oo aad lugta kula soo gelayso Siyaasadda, wuxuuna yidhi “ Horta Siyaasadda iyo sahankeedu mar walba wuu iska socdaa mar haddii aad koleyba hawlaha Siyaasadda ku jirto, laakiin aniga waxay waqtigaa iigu muuqatay,dantuna ay ku jirtay, mana ahayn wax qarsoon inay waqtigaa xaaladda Siyaasadeed taagnayd meel adag, waxaana iman karayey dhibaato, sidaa darteed aniga iyo qofkasta oo xilkas ah way u muuqanaysay marka ay xaaladaha caynkaas oo kale ahi yimaadaana  in sida qudha ee wax looga qaban karaa ay tahay in wada hadal iyo isku soo dhowaansho yimaado oo u meesha yimaado qaab la isla ogol yahay , sidaa darteed waxay iigu muuqatay in ay dantu ku jirto in wada hadal wax lagu xaliyo, balse markii ay xaggii xukuumadda ka suurtageli waydayna xagii dadweynaha oo ah dadka dalka leh ayaan xagooda ka wadey oo marna kamaan hadhin arintii wada hadalka, ilaa iminkana waxa aanu ku shaqaynaynaa waxa weeye mabda’a ah in mar walba dariiqa la marayaa uu noqdo ilaa intii suurta gal ah dariiq ay ummaddu isku raacsan tahay oo meel wax loo wada wado oo qaabku yahay mid ay ummaddu isku raacsan tahay”.

 

Waxa kale oo Axmed Siilaanyo la waydiiyey sida uu yahay xidhiidhka ama afkaarta Siyaasadeed ee u dhexaysa isaga (Siilaanyo) iyo Gudoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), wuxuuna taa kaga jawaabay; “Waxaan filayaa inaanay ahayn in arinta laga dhigo sidii wax la isku xoqayo ama la iska horkeenayo aniga iyo Saleebaan, aiga iyo Saleebaana waxaanu nahay laba nin oo muddo badan is-yiqiin , muddo badana saaxiib ahaa ,iminkana saaxiib ah ayaanu nahay, siyaasadana waa lagu tartami karaa ama qofba aragti gaar ah ayuu ka yeelan karaa, markaa anigu taa wax dhibaato ama colaada ah iyo wax xumaan ah oo ku jira midnaba ma arko”.

Sidoo kale waxa Axmed la waydiiyey sida uu u arko guul laga gaadhi karo inuu maamulka Somaliland mustaqbalka wada gaadho degaamada iyo xuduudaha Somaliland, gaar ahaan bariga dalka , wuxuuna yidhi “ Anigu waxaan aad iyo aad u aaminsanahay, kana mid ah arimaha ay xisbi ahaan siyaasadayadu ku qotonto, in dalka iyo dadkiisa meel kasta ha joogeene la isu keeno ilaa dhinaca ugu bariyeeya ilaa dhinaca ugu galbeedeeya,waxaana aaminsanahay oo aanu ku shaqaynaynaa in dadka la isku soo dhoweeyo oo la isu keeno oo ummadda la mideeyo”.

 

Axmed siilaanyo waxa kale su’aal laga waydiiyey dhinaca Siyaasadda arimaha debedda, taas oo lagu yidhi maxaad u aragtaa caqabadaha ku ged-fan qadiyadda aqoonsiga Somaliland, wuxuuna ku jawaabay “Horta marka hore Illaahay wax badan buu inagu guuleeyey, meesha aynu gaadhnay iyo waxa aynu qabsanay sharafteeda iyo qiimaynteeda ayey leeyihiin, laakiin dhinaca Ictiraafka dadweynaha iyo dawladaha duniduna waxay qirayaan inaynu nahay calal-aqilu ummad wax qabsatay,iyadoo aynaan gacan weyn ka helin aduun-weynaha, tusaale ahaan qaabkkii aynu uga gudubnay geeridii Madaxweynihii hore ,iyadoo la filayo inaynu markiiba isku dumayno waa waxyaalaha ay qiimaynta iyo qaderinta dunidu inagu siinayso, taasna waynu ka war-qabnaa oo haddii ay yurub tahay, haddii ay dawladaha jaarka ah tahay iyo haddii ay Caalamka intiisa kale tahay waxay dad badani maanta inoo hayaan niyad wanaag aad iyo aad u fiican, waxaana leeyahay inaga ayaa ictiraafka gacanta isugu hayna, haddii aynu arinta sidaa ku wadnona waxaan qabaa inay maalin uun midho dhali doonto, waxaana qabaa in si firfricoon arintaa loga hawl galo oo loo doono”.

 

Isla su’aal taa la xidhiidha ayaa Axme la waydiiyey, waxaana lagu yidhi, dadka qaarkood waxay qabaan inay siyaasiyiinta qaarkood dabada jiidayaan arinta ictiraafka, taa maxaad ka qabtaa,wuxuuna yidhi “ walaahay anigu ma garanayo cid dabada wax haysa oo sida ay dabada u hayaan ayaanan-ba Horta garanayn,sida dabada loo hayaa waxay noqon lahayd oo keliya haddii dalka dhibaato loo gaysanayo, laakiin ma garanayo cid dadka waaweyn ee xil-kaska ka mid ah oo arinta ictiraafka dabada haysa ama dalka dhibaato ku haysa, balse wada jirkeena ayuu ictiraafku ku imanayaa ee ictiraafku ashkhaas ku iman maayo, haddii aragtida Siyaasadda iyo qaabka dalka loo wadayo la isku qabtona waxay taasi ka mid tahay horumarka iyo dimoqraadiyadda iyo waxyaalaha la inagu qaderinayo, laakiin dib u dhigidda waxa ka mid ah wax qabad la’aanta iyo burburinta nabadgelyada iyo wixii dalka midnimadiisa waxyeelaya.”.

 

Sidoo kale waxa Axmed la waydiiyey sida uu u arko Madaxweynaha cusub ee talada hogaaminta qabtay geeridii Madaxweynihii hore ka dib iyo sida loogu gudbi karo marxaladaha soo fool leh, wuxuuna ku jawaabay “ Horta maanta maalin aynu ka deganahay anigu runtii garan maayo , dareenka aan qabaana waxa weeye saacadaa aynu joogno wax dadku isku diidan yahay ama arimo xasaasi ah oo taagan oo dalka iyo dadka xaganaya ma ogi, Madaxweynuhu-na inuu midnimadaa muuqata sii wado oo fursadaa uu helay ee uu dadku maanta isugu yimi ee wixii mucaarad iyo muxaafid la odhan jirey meesha ka baxeen, waa inuu Madaxweynuhu ku wado sidaa ay u midaysan tahay, waxyaalaha ugu mudan ee u baahan inaan marna lagu ciyaarin ee u baahan in la ilaaliyona waxa ka mid ah nabadgelyada iyo cadaaladda oo ay tahay inuu Madaxweynuhu taa mawqif aad iyo aad u adag iska taago. Waxa kale oo loo baahan yahay sidii wax looga qaban lahaa meelaha dhaqalaha hal-bawlaha u ah sida dekedda Berbera oo aad hadda moodo inuu ganacsigii ka wareegayo. 

 

Waxa kale oo aan qabaa qaabka ay doorashooyinku ku imanayaan iyo sida tartanka ku imanayaa inay tahay marxalad xasaasi ah oo ay tahay inay doorasho dhacdo nooc kastaba ha ahaatee , taasna waxaan odhan lahaa waa inuu iyadana fiiro gaar ah siiyo oo iminka lagu fekerin in meelo kale looga war-wareego  oo mar-marsiinyo loo helo kordhis  iyo wax la nooc ah ee waa inuu taa cadeeyo Madaxweynuhu mawqifka uu ka taagan yahay oo ay noqoto inay dhacdo doorasho loo wada siman yahay iyo in dawladda loo wada siman yahay, waa inuu talaabooyin caynkaas ah ku dhaqaaqo, kuna dhiirado ayaan kula talin lahaa”.

 

Mar kale Axmed isaga oo ka jawaaabaya su’aal la xidhiidha maamulka dawladda iyo talada Xisbiga UDUB oo la yidhaahdo ma kala soocna sida uu u arko waxa uu yidhi “ Madaxweynuhu Gudoomiyaha UDUB ha galo ama yaanu gelin taa isaga ayaa Madaxweynuhu ikhtiyaar u leh, laakiin marka hore dawladnimadeenu maaha mid ku timi xisbi ay ummaddu dooratay , asxaabtuna weli may abuurmin ee waxa soo socda weeye,sidaa awgeed waxaan leeyahay hantida Qaranka waa in loo siman yahay oo aanay ururada qaar ku takri falin,”

 

Waxa kale oo uu Axmed siilaanyo Madaxweynaha ku hambalyeeyey wada hadalada iyo isu soo dhowaynta uu la galay salaadiinta iyo dhinacyada Siyaasadda.

 

 

---Waa Kuma Cabdullah Al-Muhaajir:

Warbixintii Xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykanku ka bixiyay Al-Muhajir


 

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Mr. John Ashcroft, ayaa maalintii Isniintii sheegay in Muwaadin Maraykan ah oo la yidhaa Cabdullah Muhajir in la xidhay maalintii Isniintii, isagoo ka soo noqday Pakistaan.

 

Abdul-Al Muhajir, waa 31-jir, waxaana horaantii sannadkii 1991-kii qabatay oo bil haysay hay’adda Cadaaladda iyo Garsoorka ee magaalada New York, markii dambena waxaa loo qaaday xero amni oo ay leeyihiin Ciidamada badda ee Maraykanku oo ku taalla Gobolka Koonfurta Carolina, xabsiga ku yaal Charleston. Xilligaa waxaa loo yaqaanay Muhajir magaca ah Jose Padilla, wuxuuna ka mid ahaa Gaangistarada caanka ka ah wadooyinka magaalada Los Angles ee Gobolka Kalifoorniya (California), muddo sannaddana waxa lagu xidhay Gobolka Florida, isaga oo lagu eedeeyay dhagar iyo haysasho hub.

 

Abdullah Al-Muhajir, waxaa la rumaysan yahay inuu muslimay intuu xidhnaa, kadibna wuxuu ka tegay Maraykanka sannadkii 1998-kii, isagoo safaro ku maray dalalka Afgaanistaan iyo Bakistaan sannadkii 2001. dalalkaas ayuu Al-Muhajir, kula kulmay Al-Qaacida, sida laga soo weriyay Zubaydah oo ah Sarkaal ka tirsanaa Al-Qaacida oo hadda ku xidhan Guwitinama Bay oo ah, halka lagu hayo maxaabiista Al-Qaacida, halkaas oo lagu soo tababaray Al-Muhajir, iyadoo waxyaabaha la baray ay ka mid tahay sida loo sameeyo Qumbuladda Sunta ah ee Qarxa (Dirty Bomb).

 

Al-Qaacida, waxay ka faa’iidaysanaysay maadaama Al-Muhajir uu yahay muwaadin Maraykan ah oo si xorra ugu safri kara Maraykanka gudihiisa.

 

2000 Oo Wefti Ka Soo Qayb-Galay Shirka Mustaqbalka Afgaanistaan

 

Guri sida Teendhada loo dhisay ayaa lagu dooranayaa Hogaamiyaha xukumi lahaa Afgaanistaan ilaa 2004

 

 

“Waxaan doonayaa in aan arko Qarankii ay dagaaladu burburiyeen oo ku dhaqmaya hab dimuqraadiyad ay sal u tahay Islaam-nimadu.” Sidaa waxaa ka yidhi Shirweynaha Guurtida iyo hogaamiyayaasha Afgaanistaan uga furmay, meesha loo yaqaan Loya-Jirga, dhisme guri ah oo loo dhisay sida teendho, Boqorkii hore ee Afgaanistaan, Maxamed Daahir Shaah.

 

Shirweynahan oo lagaga hadlayo mustaqbalka Afgaanistaan, waxaa ka soo qayb-galay qiyaas dhan ilaa 2000 (laba kun) oo wefti. Inta badan wufuuddu waxay sheegeen in ay doonayeen in ay Madaxnimadii Afgaanistaan ugu coddeeyaan inuu qabto, laakiin waxaa la sheegay in Boqorkii hore ee Afgaanistaan uu maalintii Isniintii ee toddobaadkan u cadeeyay in aanu isagu u tartameyn kursiga Madaxtinimada Afgaanistaan, waxaanu ku dhiiriyay ka soo qayb-galayaasha kulanku in ay taageeraan oo ay u doortaan Hogaamiyaha Afgaanistaan, Xamiid Karazay.

Shirweynaha Afgaanistaaniyiinta uga socda Loya-Jirga, waa kii ugu horeeyay muddo afartan sanno ah iyo mid ka mid ah kulamada tirada yar ee si Dimuqraadiya loogu ogoladay in ay haweenku ka qayb-galan taariikhda Afgaanistaan.

 

Madaxweynihii hore ee Afgaanistaan Burhaanudiin Rabaani, ayaa isna ka sheegay shirkaa in aanu Xaamid Karazay kula tartameyn Madaxtinimada Afgaanistaan.

Dawladda ku meel-gaadhka ah ee Afgaanistaan, waxaa hadda hogaamiya Xaamid Karazay oo ah Paashtu, dadka ugu tirada badan Afgaanistaan, waxaase kaloo ku jira dawladda ku-meelgaadhka ah ee Afgaanistaan xubno kale oo ka tirsan Qabaa’ilka kale ee reer Afgaanistaan, sida; Tajiks iyo Uzbeks.

Shirweynaha Afgaanistaan ee Loya-Jirga, waxay u coddeyn doonaan dawlad hogaamisa Afgaanistaan, ilaa inta laga gaadhayo doorashooyinka xorta ah ee loo qoondeeyay in ay Afgaanistaan ka dhacaan sannada 2004.

 

Haweenayda la yidhaa Masooda Jalal, ayaa iyadu ka mid ah liiska magacyada ee codka loogu qaadayo jagada Madaxweyne-nimada Afgaanistaan.

Maxamed Daahir Shaah oo 87 jir ah, waxaa uu hogaamiyaha ku-meelgaadhka ah ee Afgaanistaan soo jeediyay in loo aqoonsado “Aabaha Qaranka Afgaanistaan.”

 

Masooda Jalal oo ka waramaysay, haddii ay ku guuldaraysato tartankeeda Madaxweyne-nimo ee Afgaanistaan, ayaa sheegtay in xataa haddii ay ku guuldaraysato ay tahay arrin taariikhiya, iyadoo xustay in ay ku tartamayso rajada ay ka qabto in ay taageeraan haweenka oo ah qiyaas 3 daloolow laba, tirada guud.

 

Maamulihii Kastamka Berbera Oo Geeriyooday

Hargeysa (Haatuf): Maamulihii Kastamka Berbera, Xasan Cabdi Raan, ayaa shalay ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

 

Marxuumka, waxa xumad kedis ahi qabatay Axadii, isaga oo joogga Berbera, waxana uu ka soo daray Isniintii oo isla gelinkeedii dambe loolla soo cararay dhinaca Hargeysa, halkaas oo uu Cusbitaalka shalay galab ku naf-baxay.

 

Sida ay Haatuf u sheegeen Masuuliyiinta Kastamka Berbera, Marxuumku waxa uu ka cabanayay beryahan dambe Nudub (Ulcer) caloosha ah, taas oo la filayo inuu u dhintay.

 

 

Tacsi

 

Maamule Ku-xigeenka Kastamka Berbera, Cali Axmed Maxamed (Cali Dhegoole) oo ku hadlaya magaca shaqaalaha kastamka Berbera, isagoo ka tiiraayaysan geerida Marxuum Xasan Cabdi Raan, Maamulihi Kastamka Berbera, wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, wuxuuna Illaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, Marxuumkana janadii Fardowsa ka waraabiyo.

 

Waxa isaguna Tacsi taas la mid ah u diraya, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, ahna Duqa magaalada Berbera, Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-gadhweyne).

 

 

Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Xadka

Soo Degay Iyo Wefti Kaga Baxay Burco

Burco (Haatuf): Badhasaabka Gobolka Togdheer, Cali Cabdi Hurre iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Aagga Bari Cabdillaahi Biixi, ayaa safar ku tegay tuulada Xaaji Saalax oo ku taalla Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, halkaas oo ay kulmayaan Sarakiil ka socota dhinaca dawladda Itoobiya.

 

Siday sheegeen wararka naga soo gaadhay Gobolka Togdheer, Badhasaabka iyo Taliyaha Ciidanku waxay ka ambabaxeen magaalada Burco Isniintii oo ay u kicitimeen dhinaca magaalada Xaaji Saalax.

Warku wuxuu intaa ku daray in labada dhinac lagu wado in ay ka wada-hadlayaan arrimo la xidhiidha dhinaca nabadgelyada, kuwaas oo ay si joogto ah uga wada arrinsadaan labada maamul ee labada dal. Kulamada noocan oo kale ah, ayaa iyana ahaa qaar had iyo goor ay yeeshaan saraakiisha labada dhinac ee arrimaha nabadgelyada ka shaqeeyaa.

 

Wasiirka Difaaca Somaliland, Mudane Axmed Cali oo aanu xalay arrintaa weftiga wax ka weydiinay, ayaa sheegay in aanu xog-ogaal u ahayn weftiga u ambabaxay Itoobiya, balse waxaan ka warhayaa ayuu yidhi in ciidamo Itoobiyaan ahi soo degeen tuulooyin ku yaalla xuduudka dhinacooda oo ay ka mid tahay; Duruqsi, Xaaji Saalax iyo meelo kale oo Jiidda Gobolka Togdheer ku beegan, waxaana uu sheegay in ay weftigana ka wada-hadli doonaan arrimaha nabadgelyada xuduudka.

 

Kulankan ka hor, dabayaaqadii bishii April, waxay dawladda Itoobiya martiqaaday laba ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Togdheer, kuwaas oo wada-hadal kula yeeshay magaalada Jig-jigga, Saraakiil ka tirsan dawladda dhexe ee Itoobiya, wada-hadalkaas oo uu qayb ka ahaa Ajande la sheegay inuu ku saabsanaa arrimaha nabadgelyada.

 

Somaliland Iyo Xaaladda Waxbarashada

 

Hargeysa (Haatuf): Wasaaradda Waxbarashada oo Xukuumadda u qaabilsan hagidda Siyaasadda Waxbarashada iyo qorshaynta, tayaynta, horumarinta tacliinta, ayaa lagu tilmaamay in ay ka gaabisay in ay si siman u baahiso adeegga waxbarasho, isla markaana waxaa soo baxaya cabashooyin xoog leh oo iftiiminaya wax is-dhaaf-dhaafin iyo farsamooyin leexsan oo lagu xidhiidhinayo hogaaminta sare ee Wasaaradaas, kuwaas oo loo aanaynayo in ay meesha ka saareen ogaashihii dhabta ahaa ee qiimaynta duruufaha kala duwan ee saameeyay adeegga guud ee Waxbarashada dalka.

 

Iyadoo uu dalka Somaliland ka kooban yahay lix gobol, ayaa waxa muuqata in aanu adeegga waxbarasho ee dawladdu maamushaa, si siman u wada-gaadhin Gobolada. Inkastoo ay jireen duruufo wakhtiyada qaar sababay hoos-u-dhac, adeegga waxbarasho ee deegaamada dalka qaarkood, haddana waxaa la salluugsan yahay qorshaynta guud ee wasaaradu ku qaabayso baahida waxbarasho eeqaybaha kala duwan ka soo yeedhaysa. Gobolada Bariga, sida; Togdheer, Sanaag iyo Sool, waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin gobolo dib-u-dhacsan marka la eego sida uu yahay adeegooda waxbarasho, halka Gobolada Galbeedka Somaliland, sida; Saaxil, W/Galbeed iyo Awdal, loogu yeedho in ay yihiin Gobolo adeegooda waxbarasho ka sareeyo kuwa Bari. Hase ahaatee, iyadoo ay taasi meesha taalo ayaa haddana waxaa soo ifbaxaysa in dhinac kastaba ay haystaan duruufo u gaar ahi, isla markaana ay jiraan duruufo guud oo ay wadaagaan gebi ahaanba.

 

Haddii aan eegno, Gobolada Bari, wararka naga soo gaadhayaa waxay sheegayaan, qorshaha Siyaasadeed ee Waxbarashada dawliga ahi in ay tahay mid aan kaalintoodii laga siinin. Siday tibaaxeen wararku, waxaa lagu dhaliilayaa wasaaraddu in ay ka gaabisay in ay gobolada ka hirgeliso, dhismaha dugsiyadii loo baahnaa, codsiyada ay u gudbiso hay’adaha samafalka caalamiga ah ee la xidhiidha dhisida dugsiyada cusub-na aanay wax u cuntama ka siinin, taasina ay ka dhigtay deegaano badan oo dadku ku badan yahay bilaa iskuul. Waxa kale oo ay wararkaasi tibaaxayaan in aan la gaadhsiinin goboladaas badidooda agabkii kale ee loo baahnaa ee dhiiri-gelinta Waxbarashada ee loo awoodi karayay.

 

Tayada dha-dhanka waxbarasho, ayaa iyana la dhaliilsan yahay siday muujinayaan cabashooyinka naga soo gaadhay goobaha ilaa hadda Waxbarashada dawliga ahi ka jirto ee Goboladaas, haba u badnaadeen Gobolka Togdheer.

 

Laga yaabee in aanay arrintu sidaa wada-ahayn, hase yeeshee marka la eego dugsiyada laga hirgeliyay dalka, waxaa la odhan karaa way ku yar yihiin gobolada bari. Inkastoo ay jiraan dhismayaasha Iskuulo cusub oo laga hirgeliyay meelo ka mid ah deegaanadaas, haddana waxaa muuqata in qorshaynta wasaaradda Waxbarashada ee la xidhiidha arrintaas aanay isu dheeli-tirnayn. Tusaale ahaan, Wasiirka Waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale, codsi uu u gudbiyay hay’adda Samafalka dawliga ah ee SCF-USA, wuxuu kaga dalbaday in ay ka caawiso dhisida dugsiyo cusub iyo ballaadhinta qaar hore u dhisnaa. Qoraalkaa Wasiirku u qoray hay’adaasi oo ku taariikhaysnaa 6/2/2002, dugsiyada cusub ee uu dhismahooda ku codsanayo, kuwa la ballaadhinayo iyo kuwa la dhisayba, waxa laga hirgeliyay oo ay ku kooban yihiin deegaamada Gobolka W/Galbeed oo keli ah. Qorshaha Qoraalkasi xambaarsan yahayna, kama muuqdaan Gobolada kale badidoou, hase yeeshee taas oo keli ah kuma koobna hay’adaha taageera adeegga waxbarashadu.

 

Marka laga tago taas ee la eego dhinac kale, waa hubaal in Somaliland u baahan tahay Iskuulo badan, hase yeeshee waxaa la rumaysan yahay in dugsiyadaa qaarkood laga dhisay goobo aan ku haboonayn, sida xerradii Ayaxa loo yaqaanay ee magaalada Hargeysa. Goobtaas, waxaa weli ku filiqsan suntii Ayaxa, taas oo khatar weyn ku haysa bulshada, sidaa daraadeed iyadoo aan weli goobtaa laga nadiifin sunta, ayaa duleedka waqooyi e xerradaa laga dhisay dugsi cusub. Marka aad joogto barta Iskuulka laga dhisay, waxaaa ku saaqaysa urta suntaas, taas oo lagu tilmaamay in ay khatar ku keeni karto ubadka. Qaar kale oo ka mid ah dugsiyadaa cusub, ayaa iyana la sheegay in aan laga dhisin goobo ku haboon.

 

Siday sheegeen warar laga soo xigtay illo u dhuun-dalloola arrimaha waxbarashadu, taas waxaa sababay oo loo nisbeeyay qorshaha wasaaradda Waxbarashada oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid aan si cilmiyan ah uga baaraan-degin goobta ku haboon ee iskuul laga dhisi karo, taas oo u baahan sahamin lagu xulanayo halka ugu wanaagsan ee u qalanta. Sababtoo ah, waxaa la sheegay in ay jiraan dugsiyo cusub oo la dhisay, balse aan shaqaynin kadib, markii la waayay macalimiintii wax bari lahayd ardayda, siiba jiidaha magaalooyinka waaweyn ka baxsan oo u baahan marka hore in la derso tirada dadka deegaanka, lana qiimeeyo duruufahooda nololeed, isla markaana loo diyaariyo macalimiinta ka hor inta aan la dhisin Iskuulka.

 

Dhinaca kale, iyadoo la tuhunsan yahay in ay jiraan dugsiyo badan oo laga dhisay goobo aan ku haboonayn, isla markaana aan la manaafacsanin, haddana bal aynu eegno magaalada Hargeysa oo lagu tiriyo in ay ka mid tahay magaalooyinka ugu horumarsan dhinaca Waxbarashada iyo meelaha kale ee la midka ahba.

 

Dugsiyo dhawr ah oo ku yaalla magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa, waxaa haysta cidhiidhi dhinaca ardayda ah, waxaana kala badan tirada ardayda iyo fasalada Iskuulada. Dugsiyadaas oo u baahan ballaadhin. Wararka arrimaha Waxbarashada ku saabsani ee na soo gaadhay waxay tibaaxayaan in ay jiraan dhaliilo dhinaca waxbarista ahi.

 

Siday wararku sheegeen, waxaa dibadda joogga macalimin tiro badan oo aan u shaqaynin Wasaarada Waxbarashada, kuwaas oo ay ahayd in ay hawl-galaan, balse aan loo furin dariiqii ay ku shaqayn lahaayeen. Wararku waxay intaa ku dareen, in taas bedelkeedana ay shaqeeyaan macalimiin tiro badan oo aan lahayn khibradii loo baahnaa ee macalinimo, taasina ay sababtay in maadooyinka badan ay dhigaan dad aan aqoon badan u lahayni, taas dhaliisheedana laga dareemayo ardayda dhexdeeda, ama maadooyinka qaarkood loo waayo macalimiin siday iftiiminayaan cabashooyin ka soo baxay mid ak mid ah dugsiyada degmada Gebilay.

 

Intaas ka sokow, wararka arrintan la xidhiidhaa waxa kale oo ay muujinayaan in ay kala badan yihiin tirada macalimiinta shaqaysa iyo tirada macalimiinta mushaharku u qoran yahay, taasina ay qayb ka tahay musuq-maasuq loo aanaynayo in uu ka dhex jiro Wasaaradda.

Caano Kaaga Danbeeye, Ciil Kaaga Danbee

Qiso ku saabsan xusuusta waayihii la soo maray

 

Q: 7aad _____Siciid I Guraase

 

Markii ay u yimaadeen ayuu Xaaji Diide deg-deg u sarakacay, isaga oo salaan iyo soo dhaweyn ku qaabilay Col-u-joog. “Adeer saw nabad maaha, maanta waxaan kuugu yeedhay, waxaad markii horeba adigu iila timid, adduunyadu marba waa cayne maalintaa si kale ayay iigu muuqatay, balse haddii uu wakhtigu isku ken simay inantii Deeqa-canab waa iga gelbis bila shuruud ah ee iga guddoon, abaalka aad reerka u gashayna maaha mid aan gudi karayno, inantiina waataase kaxayso,” ayuu yidhi.

 

Col-u-joog baa si diiran salaantii uga qaaday, isaga oo yidhi; “Adeer horta wax walba waxaa nagaga darnaa maqnaanshahaagii oo aanu ka wer-wersanayn, balse haddii aad timid waa Ilaahay mahaddii, inantana waan kaa guddoomay, illayn hadal kale iima furnee.” Markuu intaa yidhi ayuu xaaji Diide ku yidhi; “Waataase caawaba kaxayso,” balse Col-u-joog ayaa intuu qoslay yidhi; “waa si wanaagsane aan soo diyaargaroobo. Sidii ay ahaan jirtay baynu yeelaynaaye waxba degdegi mayno,” sidaa iyo guddoon ayay ku kala tageen.

 

Col-u-joog, markiiba wuxuu tegay reerkoodii oo uu arrintii uga warramay, inkasta oo ay marki hroe la yaabeen waqtiga uu guurka ku fikirayo, hadana markii dambe way ku qanceen, kadib markii uu u sharaxay sida ay wax u dhaceen iyo waxa kellifayba muddo yar kadib ayuu Col-u-joog u geed-fadhiistay inantii Deeqa-canab ee u doonanayd, maadaama ay arrintu iska diyaar ahaydna meher qurux badan ayaa u dhacay, maadaama qaxooti la yahay, xaaladduna ay adag tahay. Xaaladdu waxay ahayd, “Labadeena kaadh ma isla kaashanaa.” Wax kalena lagama fikirayn ee waxa dadka ku weynaa goormaa dhulkii la xorayn oo aydin ku noqon doontaan.

 

Maalintii dambe ayuu Xaaji Diide u yeedhay inankii Col-u-jog ee uu soddoga u ahaa, waxaanu u sheegay talo maal-mahaaba ku wareegaysay, “Adeer waynagii hawshii dhammaynay, inaad aroostana waa loo baahan yahay, xaaladdana waad arkaysaa, markaa waxaan ku fikiray inaan Xamar tago oo aan qolooyin ay wax naga dhexeeyeen lacag u doonto, waxaana igu soo dhacday inaad I raacdo ee macay kula tahay,” ayuu ku yidhi Col-u-joog oo ay taasi kusoo boodo ku noqotay ayaa yidhi, “waa arrin aan ka soo ikiro, waa yahee war deg-deg ah iigu soo celi, ayuu xaaji Diidane ku yidhi iyo waayahay ayay ku kala tageen.

 

Markiiba Col-u-joog talo ayuu kula noqday reerkodii oo uu u sheegay inuu muddo gaaban ku soo noqonayo. Waxaa kale oo uu xaalka uga warramay Deeqa-canab, inkasta oo ay markii hroe ka walaaceen safarka uu ilaa Xamar ku tegayo, haddana waxaa khasab noqotay inay aqbalaan.

Maalin kadib ayuu ku soo warceliyay xaaji Diide oo sugayay, kadibna waxay u diyaar garoobeen safarkoodii, inkasta oo ay dhibaato kala sii kulmeen, haddana aakhirkii waxay gaadheen Xamar.

Magaalada waxa ka muuqday ceeryoon, iyada oo ay ku soo qaxeen dad badan oo ka qaxay gobolladii waqooyiga (Somaliland), hadal haynta dagaalkuna waxay ahayd mid aad ugu dhex jirta dadka, gaar ahaaan gobaha ay ku badan yihiin dadka reer waqooyiga ahi (Somalilanders), kuwaas oo ay ka muuqatay nacaybka ay u ayeen taliskii Siyaad Barre iyo taageerada ay garab taagnaayeen ururkii SNM.

 

Kaftanka iyo dagaalka afka ah ayaa u dhaxeeyay reer waqooyiga iyo reer koonfureedka Xamar isugu tegay. Ereyada caanka noqdayna waxa ka mid ahaa (Xabadi keentay) oo ay odhan jireen reer konfureedku, iyo (xabadi sugtay) oo ay ugu jawaabi jireen reer waqooyigu.

Iyaga oo is kuusaya ayay xaaji Diide iyo Col-u-joog ku degeen guri ay lahaayeen reer ay xaaji Diide qaraabo ahaayeen, si diiran oo kalgacaltooyo ku dheehan tahay ayaana loo soo dhoweeyay.

Markii ay nasteen ee ay maalmo joogeen ayuu xaaji Diide u dhaqaaqay hawshii uu u yimid, isaga oo doondoontay nimankii ay wax ka dhexeeyeen oo uu hanti ku lahaa, inuu helana maalmo ayay ku qaadatay.

 

Markii uu helayna, ballan bay u qabteen, iyaga oo sii siiyay waxoogaa ay magaalada ku joogaan, laakiin dadka waxa ku jiray cabsi iyo daba ka wer-wer ku saabsan xaaladda nabadgelyada iyo waxa uu ku dambayn doono dagaalka socdaa. Sidaa darteed sida hanti degdega la isku siiyaa way adkayd. Odaygii xaaji Diide iyo Col-u-joog bilo ayay ku qaadatay intii ay dabo socdeen nimankii ay lacagta ka sugayeen, ukwaas oo kaga baxay ballan-qaadkii ay u sameeyeen.

 

Kaga darane, naftoodii ayaa halis gashay dhawr jeer, iyada oo dabogal lagu hayay dadka reer waqooyiga ah, oo qaar badana la laayay, qaar kalena xabsiyada loo taxaabay.

Waxayse ugu darnayd habeenkii uu dhacay xasuuqii Jazira, habeenkaas oo inta dad badasn oo reer waqooyi ah la ururiyay dhegta dhiiga loogu daray xeebta Jazira ee magaalada Muqdisho.

Dhacdadaasi dadka reer waqooyiga ah intoodii ka badbaaday waxay ku reebtay naxdin iyo anfariir. Xaaji Diide iyo Col-u-joog oo dadka dirqi ku badbaaday ka mid ahaa, waxay taasi ku abuurtay wer-wer iyo walaac xoog leh, iyaga oo ku calaacalay haddii ay iska jogi lahaayeen oo aanay Xamar isku yimaadeen.

 

Xaaladda dalku waxay ahayd mid ka sii daraysa, san-saan dagaal ayaana soo muuqatay, iyada oo uu ammaankuna faraha ka sii baxayay, dadkuna waxay bilaabeen inay diyaar-garoobaan.

Dagaalkii markii hore, wuxuu ku ekaa waqooyiga ayuu dadkiisu xaga Xamar u soo dhaqaaqay, kadib markii ay jabhado cusubi dagaal ka huriyeen badhtamaha iyo koonfurtaba, kaas oo marba marka ka dambaysa xagga Xamar u soo durkayay. Subaxii dambe ayay Xamar ka qaraxday, habqanka iyo qaylada ayaa isu dayaamay, kadib marki jabhado hubaysani iyo dadweyne gadoodsani ay dagaal ku qaadeen saldhiyadii taliskii Siyaad Barre uu ku lahaa Xamar.

 

Maalmo yar kadibna qasrigiisii bay u daateen, markaas oo uu Siyaad Barre orodkii ku tegay Buur-dhuubo, saraakiishii iyo madaxdii xukuumaddiisana dhuumasho iyo firxad ayay dhabarka jeediyeen.

Xaaji Diide iyo Col-u-joog wax dhiaato ah umay arag dagaalka Xamar ka qarxay, maadaama ay goob-joog ka ahaayeen dagaalkii ka dhacay Hargeysa oo ay ku waayo arkeen, iyada oo ay taasi farxadba ku abuurtay markii ay arkeen, waxa ku dhacay ciidamadii iyo taliskii Siyaad Barre.

Waxaanay xasuusteen maansadii Hadraawi ee ahayd “Haddaan shaashka derejada dalacaada laga nixin, dusduskay ku dharegtee haddaan daalku dheeraan.” Iyo heestii ahayd; “Ninba waa mare mus ma lala koray.”

 

Xaaji Diide iyo Col-u-joog halkii bay markale ka soo qaxeen, iyaga oo u soo jeeda Hargeysa, kadib markii ay maqleen in la xoreeyay, ururka SNM-na qabsaday. Doqoni ma dhiman bay ku faantaaye socodkii waxay ku yimaadeen Dulcad oo uu deganaa reerkoodu, inyar kadibna waxay u soo guureen Hargeysa oo xor ah. Halkaas oo uu ka dhacay aroos iyo aqal-galkii Deeqa-canab iyo Col-u-joog, oo ku ciiday carradoodii oo xor ah, calana laga taagay.

 

Col-u-jogo oo ka warramaya xaaladda  Xamar ka dhacday iyo sida ay arrimuhu ku dambeeyeen ayaa yidhi; “Caano kaaga dambeeye ciil kaaaga dambee.”

Dhammaad.

 

Hal-Xidhaale

Tirsiga jimcaha

Waxa jira (2) laba magac oo caalami ah, wada socdana oo isla goob keliya tilmaamaya ama sheegaya magacna u ah. Magacyadaasu waxa ay ka kooban yihiin (15) Shan iyo toban xaraf.

Xarfaha 1,4 iyo 10: waa laboodka ugu adag habardugaaga.

8,7,4 iyo 12: waa hanti dhismo ah oo ay cidi leedahay sida sarta.

8,14,10,2 iyo 12: waa googol Soomaali caw ka samaysan.

1,10,9,12 iyo 5: waa munaasibadda aqal-gal ee laba is guursaday.

10,4,7 iyo 6: waa magaca qoys abtirsiimadoodu ay aad isu dhowdahay sida xigto ama xigaal.

10,9,12 iyo 3: waa deeq Ilaahay uu makhluuqaadkiisa samada uga soo daayo.

8,1 iyo 10: waa meesha xoolaha la waraabinayo loogu shubo biyaha.

11,4 iyo 15: waa tulud dhaddig oo ugub dhaaftay.

5,4,7 iyo 10: waa geed dhirta ku loohma oo aan gooni isu taagi karin.

1,10,3 iyo 14: waa laboodka ugaadha ugu baaxad iyo bidhaan weyn.

6,9,12 iyo 10: waa cunto Soomaali tayo sare leh.

8,1,10,3,4,7 iyo 15: waa magac la macno ah shiraaq ama shiraac.

13,12 iyo 15: waa dad isku qabiil ama qolo ah.

15,1 iyo 3: waa magac ka soo horjeeda dhaddig.

3,4,7 iyo 15: waa mid ka mid ah awooda ay Haadda iyo Shimbiruhu ku duulaan.

15,1,4 iyo 3: waa magac la macno ah gaaddo ama shaf.

Xarfaha 2,1 iyo 5: waa noole bogga ku socda oo sun leh oo dad iyo duunyaba qaniinyadiisu ay halis ku tahay.

3,4,7 iyo 10: waa saynta ka baxda geela xubintiisa ugu sarraysa.

10,1,4 iyo 8: waa calaamad noole kastaa uu kaga tago halka uu maro.

2,9,12 iyo 5: waa ciid la teedo oo daadka halista iyo waxyeelada wata lagaga difaaco guryaha, beeraha iwm.

2,1,8,4 iyo 15: waa gole ama fagaare laysugu yimi.

Haddaba, magacyadaas labada ahi waa kuwama?

Jawaabta hal-xidhaalaha waxa lagu soo qori doonaa wargeyska Haatuf, inta ka horraysa qofkii gartaa ha u geeyo aan kor ku sheegay isaga meesha laga helo ku muujinaya sida:

Tirsi Haatuf (Telefoon number), xafiis, guri, mobile.

Waxa diyaariyay; dhaqanyahanka Maxamed Ismaaciil Bulaale.

 

WARAR KOOB-KOOBAN

Bush Oo Ka Digay Khatarta Sii Kordhaysa

 

Madaxweyne Bush, ayaa soo saaray digniin kale oo ku wajahan wax uu ugu yeedhay khatarta sii kordhaysa ee kooxaha argagixisadu ay fursad ugu helayaan hubka gumaadka ba'an geysta.

 

Bush, waxaa uu sheegay in argagixisadu ay heli karaan, oo ay isticmaali karaan quwad halis ah.
Madaxweyne Bush, ayaa hadalkan jeediyay iyadoo ay soo baxeen faahfaahino ku saabsan in la xidhay nin Maraykan ah oo looga shaki qabo inuu qorshaynayay inuu sameeyo oo uu qarxiyo qalab radioactive ah oo uu ka sameeyo bomb.

 

Ninkaas oo la yidhaahdo Abdullah Al Muhajir, ayaa FBI-da Maraykanku ay bishii hore qabteen, iyadoo uu ka yimid Pakistan kana soo degay Chicago.

 

Inkastoo Al Muhajir uu yahay nin u dhashay Maraykanka, haddana waxaa lagu eedeeyay inuu cadowga caawinayay, taas oo saamaxaysa in iyadoo aan maxkamad la soo taagin uu muddo xidhnaan karo.

Kooxaha u ololeeya xuquuqda aadamaha ee Maraykanka, ayaa tallaabadaasi cambaareeyay, iyagoo sheegay inuu xaq u leeyahay inuu naftiisa daafaco.

 

Xiisadda India Iyo Pakistan U Dhexaysa Oo Rajo Laga Qabo

 

Hindiya, ayaa bilowday in ay maraakiibteeda dagaalka ka durkiso biyaha Pakistan, taas oo ah tallaabo kale oo lagu dhimayo xiisadda u dhexaysa labada dal oo ku muransan gobolka Kashmir.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Hindiya, ayaa BBC-da u sheegay in maraakiibta oo roondaynayay Badda Carabta ay dowladdu amartay in ay dib uga soo baxaan.

 

Tallaabadan, ayaa ka mid ah kuwo ay horay uga sii hadleen warbaahinta Hindiya iyo Ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka, Richard Armitage oo dhowaan soo gabagabeeyay hawl nabadeed oo uu u tegay Hindiya iyo Pakistan.

 

Wuxuu kaloo sheegay in India ay diyaar u tahay in ay magacawdo safiir cusub oo loo diro Pakistan.

Hindidu, waxay Isniintii dorraad ku dhawaaqeen in ay joojiyeen xayiraad lix bilood socotay oo ay ku hayeen diyaaradaha Pakistan in ay dul duulaan hawada Hindiya, taas oo ay uga jawaabayeen Pakistan oo sheegtay in ay wax ka qabanayso kooxaha Islaamiga ah ee ka soo gudba xudduudda labada dal u dhexaysa.

 

Hogaamiyaha Military-ga Pakistan, Pervez Musharaf, ayaa soo dhaweeyay tallaabadaasi, hase yeeshee tallaabooyin dheeraad ah, ayaa loo baahan yahay ayuu yidhi.

Ugu yaraan toddoba qof, oo lix Pakistaniyiin yihiin, ayaa lagu soo waramay in ay habeenkii Salaasada ku dhinteen duqayn xadka ka dhacday.

 

Qarax Ka Dhacay Makhaayad Oo Dhimasho Iyo Dhaawacba Geystay

 

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay 9 kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii uu qof Falastiini ahi isku qarxiyey makhaayad Israa'iil ay leedahay oo ku taalla waqooyiga Tel Aviv.

Raadiye uu leeyahay ciidanka Israa'iil ayaa sheegay in qofkii weerarka soo qaaday uu ku dhintay qaraxa oo ka dhacay magaalada Herzliya.

 

Weerar kan ka horreeyay ayaa saddex arday oo Israa'iiliyiin ahi ku dhaawacmeen, kadib markii Bas ay saarnaayeen ay ku qaraxday banbaano waddada la ag dhigay.

Wuxuu qaraxaasi ka dhacay meel u dhow degaanka Yuhuudda loo sameeyey ee Kiryat Arba, oo koofur ka xigta magaalada Hebron.

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Ictiraafku Inaga Ayuu Ku Xidhan Yahay

 

Aqoonsiga ama ictiraafka ay Somaliland doonayso inagga ayuu inagu xidhan yahay ee ma jiraan cid inoo diidi karta ama loo baahan yahay in iyaga loo sii maro.

 

Hase yeeshee, dhawr ujeedo ayay Somaliland ka leedahay aqoonsiga. Haddii ujeedada ictiraafku ay la xidhiidho sidii Somaliland kursi ugu yeelan lahayd Qaramada Midoobay, waxay ujeedadeenu hirgeli kartaa marka uu madaxweynuhu magacaabo Dan-jire (Ambassador) ku fadhiista kursiga aynaan cid kale la magansanayn, dabadeedna waraaqihiisa aqoonsiga (credentials) u gudbiyo xoghayaha guud ee UN-ta.

 

Magacaabida danjire loo diro Qaramada Midoobay waxay suurogal ka dhigaysaa in xoghayaha guud lagu eedayn karo macaamil kala duwan (double standard), isaga oo dal xuquuqdiisa duudsiyay, qaar kalena oggolaaday iyo inuu meel kaga dhacay xeerka qaramada midoobay ee ku wajahan sinnaanta xuquuqda (equal opportunity), haddii la inkiro kursiga Somaliland ay xaqa u leedahay.

 

Dalka East Timor, ayaa ugu dambeeyay qaran ku biira qaramada midoobay. Dalka East Timor, aqoonsiga ama kursiga ay ku yeelatay UN-ta cid umay sii marin ee madaxweynahooda ayaa nin u magacaabay, kadibna loo aqoonsaday danjire. Waxa kale oo sidaas oo kale sameeyay dalal kale oo ka soo jeeda Bariga Yurub iyo Soofiyatigii bur-buray oo ka mid noqday qaramada midoobay.

 

Sida dalalka dhawaanta ku biiray qaramada midoobay, Somaliland waxay leedahay xuduudo sugan; dawlad dadkeedu u aqoonsan yahay dastuur dadweynuhu uu ansixiyay, ciidan qaran oo leh awood difaac iyo mid weerarba, boolis suurtogal ka dhigay nabadgelyada iyo xasilloonida jirta, lacag u gaar ah oo hirgashay, calan iyo astaan qaran iyo dhammaan xeerarka iyo shuruucda dal yeelan lahaa.

 

Sidaa awgeed, ma jiri karto sifo uu xoghayaha guud ee qaramada midoobay ku horjoogsan karo danjiraha uu magacaabay madaxweynuhu ee ku fadhiisanaya kursiga Somaliland ee UN-ta.

 

Hase yeeshee, tallaabada uu qaaday madaxweynuhu ee uu ku magacaabay danjiraha waxay fure u tahay arrimo dhawr ah oo dhinaca diblomaasiyadda ah oo mid waliba suurogal ka dhigayso ictiraakfa caalamka ee Somaliland.

·         Dacwad ayanu kaga oogi karnaa maxkamadda adduunka ee ku taal Hague, xoghayaha guud ee qaramada midoobay haddii uu noqdo carqalad hortaagan danjiraha madaxweynuhu u diray UN-tii si uu ugu fadhiisto kursiga Somaliland aanay cid ka baryeyn.

·         Waxay keenaysaa in dalalka lix iyo tobanka (16) ah ee ku jira golaha ammaanka (security council), badankoodu tageeraan qorshaha Somaliland ayu wadato.

·         Waxay abuuraysaa waji siyaasadeed oo cusub oo suurogal ka dhigaysa inay dalal badan oo ka tirsan adduunka iyo ururo caalami ihi ay u doodaan qaddiyadda Somaliland.

Ujeedooyinka kale ee aqoonsigu waxay ku saabsan yihiin; in Somaliland ay ka mid noqoto ururada adduunka (sida baanka adduunka, hay’adda lacagta ee IMF, iwm) iyo urur goboleedyada. In Somaliland ay dalalka waaweyn la gasho heshiisyo difaac iyo qaar ah iskaashi dhaqaale iyo in shirkadaha waaweyn ee caalamku ay hantidooda ku aaminaan.

 

Dhammaan ujeedooyinka kale waxay u baahan yihiin in loo dejiyo istiraatiijiyad u gaar ah oo lagu fulin karo. Hase yeeshee; ujeedooyinka kale mid kasta in la hirgeliyo waxa saldhig u ah kursiga ay Somaliland ku yeelanayso qaramada midoobay.

 

Waxay Somaliland kursi ku yeelan kartaa qaramada midoobay markuu madaxweynuhu ku dhiirado inuu magacaabo danjire ku fadhiista, ee aanu ictiraafka cid kale u sii marin.

C/raxmaan Siciid Maxamed,

Hargeysa.

Dood Furan

 

Waxay ila Tahay In wax la badalo qodobada doorashooyinka ee hos ku xusan waxna laga qabto qodobada kale ee loo baahdo

 

Qodobka 1aad

 

Sida ku qeexan Xeerka Doorashooyinka ee Somaliland 164 ka Mudane ee Golayaasha guurtida/Wakiilada waxay ku salaysantahay qaybtoodu nidaam Gobolo iyo Beel Beel, tiiyoo aan loo eegin sida Bulshada ugu kala badan tahay Gobolada iyo Degaanada, isla markaana Gobolada iyo Dagmooyinka ayaa la mid ah oon ku dhisnayan sida bulshadu ugu kala badantahay taas waxaan odhan karna waxay la mid tahay Magaalo 10,000 oo qof joogaan in la diro/geeyo hal (1) Dhakhtar, meel 2000 oo qof joogana 4 ilaa 5 Dhakhtar daryeelkeeda caafimaad.

 

Waan garan karna qaladka arintaasi leedahay ee jirta .isla markaa  tiiyo aanay sugnayn tirada guud ee shacabka reer Somaliland, si loo sugo cadaaladda waxna loogu qaybiyo Bulshadeena waxay ila tahay , in tiro koob la sameeyo iyadoo loo marayo soo sarid waraaqo agoonsi  ( I.D Card), isla markaana la soo saaro waraaqaha codaynta (voting Cards). Labada arrimood waxay wax ka tari karaan xagga dhaqaale Dawladaha Hose iyo xagg tiro koobisba  Bulshada iyo  tan Doorashooyinka si aanay u dhicin  ku shubashada iyo tiro aan jirin oo la abuuro.

 

Marka laga hadlo Wakiil waxaa doorta bulsho  oo uu matalaa, lama xaddidi karo tirada Wakiilada ee Gobol/Dagaan inta aan la ogayn tirada bulshada ku nool ee uu qaadan karo  ama yeelan karo taasi ayay Gobol iyo degmaduba xag dhaqaale iyo xag bulshoba  ku xaq qaadan kartaa isla markaana ku dhisan cadaalad waxaa haboon in la Isticmaalo nidaamka (Ratio) oo tusaale ahaan halkii ay ku nooshahay tiro sida 10,000 Qof loo qoondeeyo Hal (1) Wakiil iyo Hal (1) Mudane Guurti

.QAYBINTA LABA GOLE EE JIRTA

WAQOOYI GALBEED

SAAXIIL

TOGDHEER

SOOL

SANAG

AWADAL

 

12 + 4

12

12+4

12

12

12

 

 

 

 

 

 

 

 

Qodobka 2aad

Sida la ogyahay Umad kasta oo hore u martay waxa udub dhexaad u ah aqoonta iyo awoodda bulsho iyo tayada waxa soo saarka  (human resource). Somaliland waa dal curdin ah loona baahan yahay in loo taago tiir adag oo u noqda udub dhexaad, taasi waxay ku iman kartaa bulshada tayadeeda aqooneed oo kor loo qaado si loo helo bulsho awood wax soo saar leh kana abuurmi karto Maamul caafimaad qaba  (Healthy administration) oo wax ka tara wakhtiga fog ee mustaqbalka.

Waxaan wada ognahay Musuqmaasuqa curyaamiyay ee ka jira dhamaan hay’adaha Maamulka Somaliland  (maladministration) si loo daweeyo loona tirtiro, isla markaana looga badbaadiyo da,da soo koraysa loona abuuro Maamul Caafimaad qaba oo ku dhisan  wadani nimo iyo maskax cusub oo xoog maal  waxa  lagama marmaan ah in wax loo huro sida soo socota.

1:Mar haddii aan ogaanay in shaqaala kastaa aanu daynay xaddida dakhliga dawladda ee uu masuulka ka yahay inta ay baahidiisa iyo mushaharkiisu kala fogyihiin waxaa haboon in loo xalaaleeyo wixii ku filan oo ah mushahaaro macquul ah, in la sameeyo badhitaan hor leh oo lagu qorshaynayo arrintaa.

2:in la diyaariyo lana hirgaliyo ku dhaqankiisa qaanuunka shaqaalaha (Civil servant law) oo Ciqaabaya wixii musuqmaasuq ah lana adkeeyo waxa ka qabadkiisa

Muuse  C/llaahi  Nuur

Yanbu, Saudi Arabia

WAADIGA CIYAARAHA

Faransiiska Oo Dibadda Uga Baxay Tartanka Ciyaaraha

 

Group A

France 0 Denmar 2

Senegal 3 Uruguay 3

Wadanka Faransiiska oo haystay koobka adduunka, ayaa ka hadhay ciyaaraha adduunka wareegiisii labaad ee ka socda Korea iyo Japan.

Ciyaartii kama dambaysta ee Group-ka A, ayaa shalay waxaa laba iyo eber kaga badiyay Kooxda Denmark.

Ciyaartu markii ay laba iyo labaatan daqiiqo oo keliya socotay, ayaa waxaa kooxda Denmark goolka koowaad ka dhaliyay Dennis Rommedahl.

Qaybtii labaad ciyaartana, markii la isugu soo laabtay, waxaa daqiiqadii 67-aad, ayaa loo labeeyay Faransiiska, goolkaana waxa u saxeexay Kooxda Denmark Jon Dahl Tomasson, ciyaartiina waxay ku dhammaatay 2-0 ay Denmark ku badisay uguna soo baxday wareega labaad.

Faransiisku way ku guuldaraysteen in ay wax gool ah dhaliyaan sadexdii ciyaarood ee ay yeesheen.

 

Caasimadda Faransiiska ee Paris iyo magaalooyinka kale ee dalkaaba, waxay dadwaynuhu ka daawanayeen shaashado telefishinno waaweyn ah oo la dhigay badhtamaha magaalooyinka. Waxaana wararku sheegayaan in ay magaalooyinka Faransiiska, dadwaynaha ka muuqato murugo aad u wayn, inkastoo aanay eedaynayn ciyaarta, balse nasiibka ay eedda saareen.

Denmark, ayaa hadda wareega labaad u gudubtay iyadoo hogaaminaysa Group A.

Senegal oo ahayd dalka Afartanaad, marka la eego kala saraynta dalalka ee kubadda cagta, oo sanadkanna markii ugu horaysay ka soo qaybgashay ciyaaraha koobka adduunka, ayaa iyaduna u gudubtay wareegga labaad ee lix iyo tobanka, kadib markii barbaro 3-3 ay ku kala baxeen Uruguay.
Senegal, qaybtii hore ee ciyaartan ay la yeesheen Uruguay, waxay ku dhammaatay 3-0 ay Senegal ku hogaaminayso. Hase yeeshee, qaybtii labaad ee ciyaarta, ayaa laga daba yimid Senegal oo laga dhaliyay saddex gool, ciyaartuna waxay ku dhamaatay 3-3.

 

Ciyaarta kadib, waxaa caasimadda Senegal ee Dakar, laga sameeyay dabaaldegyo loogu

dabaaldegayo guusha ay Kooxda Senegal ilaa iyo hadda ka soo hooyeen Ciyaaraha Koobka Adduunka ee Korea iyo Japan, iyadoo taageerayaasha kooxda kubadda cagtu ay waddooyinka ku ciyaarayaan.

Dabaaldegyadaasi, waxaa sabab u ah in kooxda Senegal ay u soo gudubtay wareega labaad, iyadoo shan dhibcood leh, kuna soo baxday kaalinta labaad.

Senegal, waxay isku soo beegmayaan wareega labaad kooxda kaalinta koowaad ku soo baxda Group-ka F, oo noqon karta Sweden, England ama Argentina.

 

 

Group E

Germany 2 Cameron 0

R. Ireland 3 Saudi Arabia 0

Ciyaaraha kale ee shalay dhacay, waxa ciyaaray kooxaha ku jira Group-ka E. Ireland ayaa sadex iyo eber u xambaarisay Sacuudiga, iyadoo Cameroon-na ay kaga adkaaday Germany 2-0.
Group-ka E, waxaa ka soo baxay Germany iyo Ireland, Cameroun iyo Sacuudigana guryahoodii ayay ku noqonayaan.

 

Germany oo kaalinta koowaad ku soo baxday, waxay ay yeelatay 7-dhibcood, waxaanay la ciyaaraysaa wareega labaad, kooxda kaalinta labaad kaga soo baxda Group-ka B, taas oo ay isku beegan yihiin Paraguay ama Koonfur Africa.

Ireland, waxay isku beegan yihiin kaalinta koowaad ee Group B, waxayna noqon kartaa Spain.