Haatuf, Cadadki 98, June 18, 2002

Maxaa Ka Jira Xarunta Madaxtooyada Somaliland?

 

 

Waxay ahayd xilli qadadii, waqti laga soo fanjeediyey muraaddadii, danihii iyo hawl-maalmeedkii caadiga ahaa ee loogu foofay magaalada. Waddada inta badan mashquulka ah ee madaxtooyada hormarta oo marinkaygu ahaa ayaan ku soo kediney (weriyeyaal wargeyska Haatuf ka tirsan), anagoo

 

ka cararayna laambadda cas ee baabuurta joojisa (Ishaarada), laakiin inkasta oo aannu soo karaarinay gaadhigii aannu wadanay si aanu uga gudubno inta waddadu furan tahay kuma aannu guuleysan. Waxaannu u mahadnaqnay askar ka tirsan ciidanka Nabadgelyada waddooyinka oo halkaa taagnaa oo noo gacan-haadiyey markii aannu istaagneyba iyagoo noo inshaaray inaanu soconno wadada oo xidhan. Waxaanuse is-tusnay in aannu ku soo beeganay saacad sharcigu sakhiran yahay ama marmarka qaarkood ay dhacdo cillad farsamo oo dhinaca korontada kaga timaadda ishaarooyinka. Balse, maalmo kale oo door ah markii aannu fursaddaas oo kale la kulnay, ayaan ku qancay in arrintu tahay mid ula kac ah oo la garawsan karo. Oo maxay tahay sababtu?

 

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin oo deggan meel is-goyska Maktabadda ilaa 300 mitir dhinaca waqooyi-galbeed ka xigta ayaa maalin kasta waqtigaas oo kale gurigiisa u sii mara waddadaas marka uu ka soo rawaxo xafiiskiisa madaxtooyada, sidoo kalena uu subaxdii goor hore sii maro marka uu  shaqo tegayo.

 

Tallaabadan waxa ay bulshadu u aragtay cashar loo baahnaa oo uu hoggaamiyaha cusubi dadkiisa ku barayo habka shaqada, kuna dareensiinayo sida uu heeganka ugu yahay gudashada shaqada qaranka ee loo igmaday. Sidoo kale Madaxweyne-kuxigeenka cusub Mr. Axmed Yuusuf Yaasiin oo hore uga tirsanaa golaha Wakiillada ayaa isaguna subax kasta kasoo shaqo-taga gurigiisii hore oo ku yaalla xaafadda “Waraaba-salaan”.

 

Inkasta oo hab-dhaqanka noocan ahi uu yahay mid aad loo bogaadiyey, soona noolaynaysa anshaxa shaqo (ethics of work), taas oo la qiyaasi karo tusaalaha ay bulshada u tahay iyo saamaynta ay yeelanayso marka la arko madaxweynihii qaranka ugu sarreeyey oo goor hore xafiiskiisa ku jarmaadsan, goor dambena ka soo raxawaxaya, haddana waxa is-weydiin leh sidan ma isagaa doortay madaxweynuhu?

Ma cadda runtii inuu sidaa ku talagalay. Waxaase beryahan dambe si isa soo taraysa loo ogaanayey in ay jirto mushkilad ay maaraynteedu ku adkaatay oo ka jirta madaxtooyada gudaheeda.

 

Warar si weyn u baahay labadii toddobaad ee u dambeeyey oo la isla dhexmarayey suuqa Hargeysa ayaa sheegaya in Madaxweyne Riyaale uu jecel yahay inuu u guuro Madaxtooyada oo dabaqa sare uu hoy u ahaa Madaxweynihii hore, balse aanay u suurtagelin in uuu si buuxda ula wareego Madaxtooyada,oo qaybta xafiisyada ah mooyaane inta kale ay weli baaqi ku tahay Marwadii uu ka tegey Madaxweynihii geeryoodey ee Somaliland Marwo Kaltuun X.Daahir. Wararkaasi waxay iftiiminayaan in Marwadu ay u degan tahay halkaa si aan turxaan la’ayn oo aanay raalli iskaga ahayn iyada iyo madaxweynuhu.

 

Inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in geeridii Madaxweynaha kadib la isla qaatay in dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ay haboon tahay in haweenaydu ay ku sugnaato guriga ay deggan tahay marka saygeedu dhinto muddo ilaa Afar bilood ah oo ku siman inta ay geeriyeysan tahay, laakiin waxay warar kalena tibaaxeen inaanay taasi jirin, wax laysla qaatayna aanay ahayn. Waxaana ay wararka arrintaasi ku saabsani ay sheegayaan in ergo odayaal ah oo miisaan lihi ay beryahan dambeba ku mashquulsanayeen sidii ay u furdaamin lahaayeen xaajadaas oo marka dhinac laga eego ah mid kakan ama qallafsan, balse aanay ilaa iyo hadda xal ka gaadhin.

 

Ma cadda sababtu, dhinacyada oo dhamina way ka gaabsadeen, waxayse wararku inshaarayaan in ay jiraan tabashooyin ay marwadu qabto iyo shuruudo ay ku xidhay ka guurista madaxtooyada.

Ilo kale ayaa iyagu qaba in caqabaddani ay hordhac u tahay mushkiladaha mudane Rayaale ku sugaya deyrka Madaxtooyada ee kaga soo baxaya saldhigyada awoodeed ee ka hoos unkamay xukuumaddii Madaxweynihii geeryoodey. Waxaana la rumaysan yahay in arrintan ay ku lug leeyihiin masuuliyiin dowladda ka tirsan iyo kuwo ku dhowdhow, kuwaas oo warar laysla dhexmarayaa sheegayaan inay qayb ka yihiin sababaha ay Marwadii weli ku deggan tahay madaxtooyada.

 

Muran hadheeyay shirak guurtida Afqaanistaan

 

 

Kabul (W/wararka) – In ka badan kun xubnood ayaa ka dareeray shirka Guurtida Afqaanistaan, kadib markii muran ku saabsan qaabka loo dhisayo dawladda cusub ee dalkaas uu soo waajahay shirka.

Xubnaha shirka ka baxay ayaa ku andacoonaya in shirka la majara habaabiyay, iyada oo meesha laga saaray qodobadii muhiimka ahaa, qaarkoodna waxay aad u taageersan yihiin inuu dawladda madax ka noqdo boqorkii hore ee Afqaanistaan Daahir Shaah, waxaanay kasoo horjeedaan Xamiid Karasaay oo uu shirku madaxweyne u doortay maalintii salaasadii.

 

Xamiid Karasaay waxa uu ku guulaysan waayay inuu shirka soo hordhigo golihiisa wasiirada ee cusub, taas oo uu qorshuhu ahaa inuu ansixiyo kahor inta aanu xidhmin, balse dib-u-dhac iyo jiitan ku yimid shirku, wuxuu keenay muranka soo wajahay xubnaha ka qaybqaadanaya shirka guurtida Afqaanistaan oo loo yaqaan (Looya-jiirga).

 

Qaybsanaanta soo wajahday xubnaha shirka ka qaybqaadanaya oo ay tiradoodu ka badan tahay 1500, waa markii ugu horraysay ee ay shirkan oo kale isugu yimaadaan muddo ka badan 30 sanadood oo uu dalka Afqaanistaan ku jiray jaho-wareer siyaasadeed.

Shirka Looyarjiiga oo lagu wado in dhawaan la soo gebogebeeyo waxay ku xidhan tahay sida la isugu af-garto muranka soo waajahay.

 

Suudaan oo Sucuudiga u gacan-gelisay nin ka tirsan Al-qaacida

 

Khartuum (W/wararka) – Dawladda Suudaan ayaa Sucuudiga u gacangelisay nin Suudaani ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan ururka Al-Qaacida, kaas oo isku dayay inuu qaraxyo ku lid ah Maraykanka ka geysto dalka Sucuudiga.

 

Ninkan oo aan magaciisa la sheegin, waxa lagu eedaynayaa inuu isku dayay qarxinta diyaarad uu Maraykanku lahaa oo fadhiday mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee Sucuudiga bishii October ee sannadkii hore.

 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka Arrimaha Gudaha ee Suudaan, waxa uu qaraarka ninkan loogu gacan-geliyay Sucuudiga ka dhashay, kadib markii baadhitaan lagu sameeyay lagu ogaaday inuu ka dambeeyay isku daygii qarxinta diyaaradda Maraykanka iyo inuu xubin ka yahay ururka Al-qaacida.

 

Dawladda Maraykanka, ayaa iyaduna dhinaceeda soo dhaweysay tallaabada ay qaaday Suudaan, taas oo ka dambaysay markii lala beegsaday saaruukh mid ka mid ah diyaaradaha Maraykanka oo fadhiday garoonka diyaaraha ee Amiir Suldaan oo ku yaala Sucuudiga.

 

Golaha Wakiillada Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Gobol-Nimada Saaxil Iyo  Degmooyinka Cusub Ah

 

Xeerk Gobollada iyo Degmooyinka

 

 

Hargeysa (Haatuf): Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka Gobolada iyo Degmooyinka, kaas oo meel-marinaya Gobolka Saaxil iyo ilaa 20 degmooyinka cusub ah oo la magacaabay intii uu talada hayey Madaxweynihii geeryoodey, horena aan loo ansixin.

Xeerkan oo muddo dheerba golaha horyaalley, muran badanina ka taagnaa waxa dooddiisa lagu soo gebagebeeyey fadhiyadii hore ee golaha, iyadoo sida uu shirguddoonku sheegay guddiyo dhawr ahna loo saaray turxaan bixinta iyo wax ka beddelkiisa,waxaana shalay lagu ansixiyey cod-qaadis guud iyo mid si gaargaar ah loogu qaaday qaar ka mid ah qodobada xeerka.

 

Xeerkan qodobkiisa 5-aad waxa uu dhigayaa: “Jamhuuriyadda Somaliland waxay u qaybsantaa 6 gobol oo kala ah: Gobolka Hargeysa, Togdheer, Sanaag, Awdal, Sool iyo Saaxil”. Waxa kale oo uu qodobkiisa 7-aad oo ku saabsan “Soohdimaha Gobolada iyo Xuduudaha degmooyinka” dhigayaa in Lixda gobol ee Jamhuuriyadda Somaliland ka kooban tahay ay ku salaysan yihiin xuduudihii ay lahaan jireen lixdii degmo ee waaweynaa ee jirey xilligii Ingiriiska (ka hor 26/6/1960) oo kala ahaa Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Laascaanod, Boorama iyo Berbera, kuwaas oo hadda isu rogey gobolada Somaliland ka kooban tahay. Sidoo kale xeerku wuxuu isla qodobkaas ku aqoonsanayaa xuduudaha degmooyinkii la magacabay xilligii xukuumadihii hore ee ka farcamay lixdaa degmo ee Ingiriisku ka tegey, waxaana uu shardi uga dhigay in aanay ka tallawsanayn soohdimaha degmooyinkaas ay ka farcameen. Isla markaana degmada Balligubadle oo xiligii Halganka loo magacaabay degmo ayaa xeerka loogu anxisiyey degmo derajada C ah, xuduudaheedana ku sargooyey goobihii codbixinta aftida dastuurka ee degmadaasi ka hawlgashay.

 

Degmooyin gaadhaya 20 degmo oo cusub oo uu magacaabay maamulkii Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal lixdii sannadood ee u dambeeyey ayaa xeerka lagu meelmariyey derejada ugu hoosaysa degmooyinka ee “D”. Hase yeeshee, degmooyinkaas cusub oo aan xuduudahoodu sugnayn, muran badanina ka taagan yahay waxa uu xeerku leeyahay: “Degmooyinka cusub ee darajada D sidooda ayay ahaanayaan, loomana dhisayo golayaal deegaan doorashadan u horraysa ee Dowladaha Hoose,maadaama aanay sugnayn xuduudahoodu”.

 

Sida xeerku dhigayo dadweynaha degmooyinka cusub waxay doorashada u horraysa u codaynayaan golayaasha deegaanka ee degmooyinkii ay ka go’een, marka laga reebo demada Xagal oo iyadu u codayn doonta degmada Berbera.

 

Xeerku wuxuu ku waajibinayaa xukuumadda inay soo dhammaystirto xuduudaha iyo shuruudaha kale ee degmooyinkaas cusub una soo gudbiso golayaasha baarlamaanka si loo ansixiyo.

Xeerku waxa uu adkaynayaa magacaabista gobol iyo degmo, isaga oo dhigaya shuruudaha lagu magacaabi karo gobol ama degmo kuwaas oo kala ah: Baaxadda Dhulka ay ku fadhido, Miisaanka iyo baaxadda dadweynaha deegaanka ku nool, wax-soo-saarkeeda iyo khayraadkeeda dabiiciga ah iyo isku-fillaanshaha iyo hanashada adeegyada arrimaha bulshada, waxana uu xeerku u xilsaaray wasaaradda arrimaha gudaha inay xeer-hoosaad ku soo saarto faahfaahinta shuruudaha qiimaynta lagu magacaabi karo gobo/degmo ee xeerku dhigayo. Sida xeerka qodobkiisa 8-aad dhigayo, iyadoo laga duulayo isla shuruudahaas magacaabista degmo/gobol degmooyinku waxay mutaysan karaan dallacaad, derojo ka dhimis iyo waayis-degmonimo marka lagu qiimeeyo shuruudahaas.

 

Xeerkan waxa kale oo lagu soo saaray derajooyinka degmooyinka dalka iyo saamiga golayaasha deegaanka ee ay yeelanayso degmo walba oo ku salaysan darajadeeda; taas oo kala ah:

·          Caasimadda Hargeysa (derajada A)  25 xubnood

·         Darajada “A” (Burco, Boorame, Berbera, Laascanod, Ceerigaabo iyo Gebiley) min 21 xubnood

·         Darajada “B” (Oodweyne, Buuhoodle, Ceel-afweyn, Badhan iyo Saylac) min 17 xubnood

·         Derajada “C” (Balligubadle, Laasqoray, Dhahar, Baki, Lughaya, Caynabo, Taleex, Xuddun iyo Sheekh) min 13 xubnood

·         Iyo Derajada “D” (Sabawanaag, Faraweyne, Salaxley, Cadaadley, D/salaam, Allaybaday, Duruqsi, X.Xasan Geelle, Qoryaale, Maydh, Gar-adag, Dararaweyne, Fiqifuliye, Xiis, Dila, Boocane, Yagoori, Mandheera, Bullaxaar iyo Xagal) min 9 xubnood.

 

Xeerku waxa kale oo uu dhigayaa is-maamulka gobolada, qaab-dhismeedka golayaasha deegaanka iyo golayaasha gobolada, doorashada xubnaha golaha deegaanka, iyadoo sida xeerku dhigayo golayaasha Gobolada ay soo magacaabayso xukuumadda dhexe. Waxana uu xeerku qeexayaa waajibaadyada iyo xilalka golayaashaas iyo awoodahoodaba. Kala xadaynta cashuuraha dowladaha hoose iyo kuwa dowladda dhexe iyo arrimo kale oo la xidhiidha.

 

Xeerkan waxa guud ahaan lagu ansixiyey cod dhan 39 ka mid ah 48 mudane oo madasha shalay fadhiyey, iyadoo laba mudane diidday, toddoba kalena ka aamustay. Sidoo kalena, Sagaal qodob oo ka mid ah 55-ka qodob ee xeerkaasi ka kooban yahay oo qodob-qodob loogu cod-qaaaday ayaa dhammaan ku guuleystey cod-qaadista oo ahayd aqlabiyadda fudud (simple majority).

Qodobada ku saabsan darajooyinka degmooyinka iyo xuduudaha gobo/degmo oo ka mid ahaa qodobadaas gaar-gaarka loogu codeeyey ayaa madasha dood ka dhaliyey, mudanayaasha qaar ayaa dood ka qabey derajada la siiyey degmooyin gaar ah, halka mudanayaal kalena ay saluug ka muujiyeen xeerka oo ay kaga cabanayeen in aan la siin waqti ku filan oo ay si fiican ugaga soo baaraandegaan, laakiin shirguddoonku waxa uu ku adkaystay in codayntu socoto.

 

Hargeysa iyo Xuskii 16-ka June

“Reerkaan la hadlayow ceebta inaga ilaaliya, Madaxweynahana halala shaqeeyo” Xaaji Cabdi Waraabe

 

 

Hargeysa (Haatuf): Xaflad balaadhan oo lagu xuyey maalinta caruurta aduunka oo sannadkasta la xuso 16-ka Juun ayaa Axadii doraad lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee magaalada Hargeysa, waxaana munaasibadaa ka soo qayb galay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Faarax Jaah-weyn, gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland,Mr: C/kariin, DR: Romanus oo hayadda UNICEF ah iyo masuuliyiin kale, iyadoo ay kooxihii xuskaa ka soo qayb galay socod ka bilaabeen fagaaraha khayriyadda,kuna tageen garoonka kubadda cagta, taas oo ay kooxaha si gaar ah uga dhex-muuqdeen kooxaha kubadda cagta, ayna hor kacayeen kooxda Baanboyda boolisku, xafladaasna waxa qaban-qaabadeeda isku hawlay dhinacyo ay ka mid yihiin: Ururka SYS, hayadda UNICEF, xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, wasaaradda ciyaaraha iyo dhinacyo kale.

 

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Mudane Jaah-weyn ayaa isu soo baxii garoonka kubadda cagta hadal ka jeediyey, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Hadii aan caruurta la daryeelin oo loo qaban wixii ay xaq u leeyihiin waxaan qabaa inaanay dawladnimo jireyn, waxaana leeyahay caruureey waxaad saaxiib la tihiin cidii wax idiin qabata”.

 

Xafladda galabnimadii Axaddii lagu qabtay garoonka kubadda cagta waxay daba socotey xaflad kale oo balaadhan oo ay ururka haweenka qaranka NOW (National organization Women) subaxnimadii Axaddii ku qabteen hoolka shirarka ee xarunta ururka NOW, kuna saabsanayd xuska maalinta caruurta adduunka.

Xafladdaas oo aad loo agaasimay, waxa lagu soo bandhigay khud-bado kale duwan, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo suugaan kala duwan, iyadoo ay munaasibadaa khud-bado ka jeediyeen masuuliyiinta ururka NOW, masuuliyiin golayaasha dawladda ah iyo hawl-wadeeno ka socdey hayadaha samafalka caalamig ah.

Gudoomiyaha ururka haweenka NOW marwo:Aamina Maxamuud ayaa munaasibadaa ka hadashay, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “ Xuquuqda caruurta waxa inoo sheegay quraankeena kariimka ah , waxaan markaa loo baahan yahay inaynu ka shaqayno daryeelka caruurteena oo aynu cidii inaga caawinaysana la kaashano”.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Nuux Axmed Cismaan oo ka mid ahaa masuuliyiintii munaasibadaa ka soo qayb gashay ayaa isna halkaa hadal ka jeediyey, waxaana weedhihiisa ka mid ahaa “ Caruurtu waxa ay u baahan yihiin barbaarin iyo in loo sameeyo mustaqbal wanaagsan oo wax la baraa, lagana shaqeeyo daryeelkooda”.

 

Caruurtii munaasibadaa ka soo qayb gashay ayaa iyaga laftoodu madashaa codkooda ka dhiibtay, waxaana halkaa hadal ka jeedisay gabadh aad u da’yar oo la yidhaahdo Hodan Cawed Gabyaaye, waxayna Hodan tidhi “Hadii aanu nahay caruurta Somaliland waxaanu ka codsanaynaa waalidiinta, shacbiga iyo Xukuumadda Somaliland iyo Mujtamaca caalamkaba,nabad-gelyo, daryeel caafimaad, waxbarasho iyo kor u qaadidda nolosha qoyska”.

 

Al-dayib Cumar oo is-na ah Sarkaalka tirsan hayadda SCF_USA ayaa munaasibadaa ka hadlay, tilmaamana ka bixiyey daryeelka iyo barbaarinta ay caruurtu u baahan tahay.

 Odayga caanka ah mudane Xaji Cabdi-waraabe ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna wax ka taataabtay dhinacyo badan oo la xidhiidha dhaqanka iyo nolosha dadka Reer-somaliland, taas oo uu ku dheeraaday sooyaalkii dhaqan ee dadka Reer-Somaliland, gaar ahaan doorkii hawleed ee ay kala lahaan jireeen raga iyo haweenku, iyadoo uu Xaaji Cabdi-Waraabe daadefeeyey sheekada odhanaysa waqtiyadii hore dumarka xuquqqdooda waa la duudsiyi jirey, wuxuuna yidhi “ berigii hore markii ay colaaddu jirtey ayaa wiilka la jeclaa oo la odhan jirey reer hebel maxaa gaashaan qaad ah oo raga la tirsan jirey, dumarkana xabadda waa laga dambaysiinjirey oo dhaqankeenu ma ogolaayn in dumarka la dilo oo ceeb bay ahayd, taas ayaad markaa xaqiraad moodayseen, laakiin xanaanayn bay ahayd ee xaqiraad may ahayn”.

 

Xaaji Cabdi- Waraabe intaa ka dib waxa uu wax ka yara taabtay dhinaca siyaasadda iyo marxaladda cusub ee ay Somaliland marayso, wuxuuna yidhi; “Somaliland maanta halkii aan la rabey ayey maraysaa, waayo illaahay ka baryayey nabad-gelyo iyo dawlad negaata, laakiin maanta Somaliland waxay joogtaa marxaladii aanu doonaynay hadii aanu odayaashii nahay”, laakii waxa uu Xaajigu intaa ku daray oo uu yidhi “ waa tii uu Madaxweynihii inaga dhintay , laakiin madaxweyne cusub ayeynu dooranay  oo si fiican baa loo taageeray, siyaasiyiinta Somaliland-na waan u mahad-naqayaa, waayo siyaasiyiinta Reer-koonfureed waxay kaga duwan yihiin kursi iskuma dilaan, waxaanse idiin sheegayaa agoonta wanaagsan waxa lagu gartaa dadka ayey si fiican ula dhaqmaan. Sidaa awgeed waa inaynu si fiican ula shaqaynaa Madaxweynaha cusub oo weliba reer baan si gaar ah ula hadlayaa reerka aan la hadlayaan wuu is-garanayaa, wuu is garanayaa ee waa inuu is ilaaliyaa, reerka aan la hadlayow waad is-garanaysane waa inaad ceebta inaga ilaalisaan  oo yaan layna odhan reer-nimo ayey ku shaqaynayeen”.  Xaajigu carrabka kuma dhufan Reerka uu la hadlayo, laakiin waxa loo fahmay inuu la hadlayo qabiilka  Isaaqa.    

 

Wasiirka Caafimaadka

Somaliland Oo Socdaal Ku Tegay HONG-HONG

 

 

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka caafimaadka Somaliland DR: Xasan Ismaaciil ayaa shalay ka dhoofay madaarka magaalada Hargeysab ,isaga oo u socdaalay Jasiiradda ku taal bariga Aasiya ee HONG-HONG , halkaas oo uu kaga qayb galayo shirweyne lagaga hadlayo arimaha caafimaadka aduunka oo ka dhici doona dalka HONG-HONG.

 

Wasiirka caafimaadku war uu siiyey idaacadda dawladda ee Raadyow Hargeysa ka hor intii aanu dalka ka dhoofin waxa uu ku sheegay inuu shirkaa u bandhigi doono siyaasadda dhinaca caafimaadka ee dawladda Somaliland iyo hawl-galo caafimaad oo uu sheegay inay hadda socdaan, iyadoo ajandayaasha shirkaa lagaga hadlayo ay ka mid yihiin arimo daawooyinka ku saabsan iyo waxyaalo kale oo kale oo la xidhiidha caafimaadka.

 

Warku waxa uu intaa ku daray in dawladda Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah loogu casuumay shirka lagaga hadlayo arimaha caafimaadka ee dhowaan ka dhici doona jasiiradda HONG-HONG.

 

RAADYOW MA QALOOCSHE

 

 

Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan Mowjadaha kaftan aqoonka iyo Hirarka gaagaaban ee Ilaaq-aqoonka.

Dhegaystayaashayada dhugmada badanow, waxaan idiinka gigsiin doonaa warkii dunida, waakan war iyo wacaal wixii jeebkayga maanta ku jiray.

Warkii oo kambadhuudha

Boqortooyada Sucuudi caraabiya, ayaa dib-u-calmatay xoolaha Itoobiya, kadib markii adhi la’aan Naadigoodii kubadii laga badiyay. Warkan oo Boqoradu ku firdhiyeen baalasha Wargeysyadooda, waxa u qornaa sidan:

“Min; Khaadimka labada xaramayn ee sharafaynka ah

Ilaa; Abaysinayada adhiga leh

 

Yaa Abasina wallaahi naxnu saruura, siyaada. Annaa uriidul laxmul ibil, wabaqar waqanam, wa ayi shay oon xoolaad, naxnu u xubul xamaal Qanamul berberaawi wa ibi’ul asmaraami.

Dalka Itoobiya oo arrintaas ogolaaday, ayaa waxa cabsi weyn iyo werwer ay ka qabaan Dhoofinta Geela, iyadoo xabashidu Geelaba ay u taqaan xayawaanada laga baqdo, kuwaas oo markii lagu yidhi, geel noo soo dhoofiya yidhi; “Ereg, ereg; walaahi geel af-dheer, injiru, jigir-busuunaw.

 

Dawladda Itoobiya oo ah dawlad ay Somaliland isku geel-jire yihiin, waxay ka mid ahayd wadamadii been-abuurka lagu eedeeyay Adhyahooda. Xilligaas cawaandinimo boqor-na lagu joojiyay, kadib markii adhi carbeed ay lahaayeen cabeeb lagu arkay ayay dawadiina u maleeyeen in ay iska joojiyaan. Adhyaha fayow ee reer Afrika ilaa iyo xilligaa dalka Sacuudiga, waxaa lagu cuni jiray adhyo xaqanaas oo buurya-qabku bineeyo.

 

Adhyahaas waxa badankooda loo qali jiray naadiga kubadda ciyaara, kadib markii loogu sheekeeyay Carabta in cunista adhiga Ustareeliya lagu barto kubadda.

Arrintaasi waxay beenowday markii ay Jabaan dhawaan u ciyaar tegeen ee lagu dhugtamay, kuna guulaysteen billada khashiinimada koobka dunida. Inkasta oo aanay jirin xabashi adhi-jir ah iyo amxaaro geel-jira ahi toona, balse waxa suuraw ah adhyaha Soomaalida iyo shankarooneyaashu raacdaan in ay Itoobiya dilaasho, oo carabta ku tidhaahdo, cuna adhigan baa kubadda lagu bartaaye.

Hargeysa

Askari weyn oo Biritaaniya ka yimi, ayaa ayaan dhawayd jeedaalin u yimi gudaha shankaroonlaan, waxaanu askarigaa weyni la kulmay rag waaweyn oo reer shankaroon ah.

Askar kale oo sarkaalo iyo dablayaal sare isugu jirta, kuwaas oo uu ugu ballanqaaday inuu siin doono buraashado iyo heenso milateri. Sidoo kale, wuxuu ka baayacay wixii ay sir hayaan, kaas oo uu ugu ballanqaaday in ay basaasnimada iska kaashadaan oo uu runiyo beenba ka iibsan doono, Dheg-xooglayaasha xanta ku mitida.

 

Askarigan waxa booqashadan ku wehelisay gabadh yar oo la sheegay in ay iyadoo aynigaas ah, Basaasad sare tahay. Bilistaas oo la sheegay in ay boqol keentay, halista xogaha.

Weftigaas oo dadka qaarkii Ingiriis moodayeen, laakiin ay noqdeen lafdhanka Biritaaniya, kuwaas oo ah jilibka reer Ingiriis laga dilo, waa markii u horeysay ee muddo afartan sanno ah ay arlada shankaroonta isha ula yimaadaan, iyagoo Ingiriis dareerkii, kadib aan col iyo nabad toona ku iman.

Madaxyuubka shankaroonland oo ragaas geeska la dhigay, ayaa u sheegay in dalkiisu aqoonsi ka doonayo, dunida kale oo uu Biritaaniyana marag u haysto, haddiise la siin waayo in aan dalkiisu u ooyayn, una dhimanayn aqoonsi la’aan.

 

Sarkaalkaas oo la baadhay, ayaa laga waayay wax aqoonsi u eg oo jeebkiisa ku jira. Wareysi uu ma qalloocshe la yeeshay askarigaa weyn iyo afadii la socotay ayay ku sheegeen in aqoonsigii shankaroonlaan lagu arkay magaalada Wooshartoon, kaas oo Maraykanku gacanta ku hayo. Mar aan weydiiyay wuxuu u keeni waayay ayuu sheegay in Maraykanku aqoonsi shankaroonlaan diyaar la yahay, laakiin uu la’ yahay cidii uu u soo dhiibi laha ee lagu aamini lahaa, isagoo ka baqa-qaba ninka loo soo dhiibaa in uu dhexda ku iibiyo ama seexdo oo ay bisaaska argagixisada ahi ka hoos qaataan.

Afbagistaan

 

Xamiid Kasaaraha dalka Afbagistaan, ayaa cimriga kursiga laba sanno loogu biiriyay, kadib markii Golaha guurtidooda ah ee lagu naanayso LOOYA JIRGA, ay geedka u fadhiisatay, kaas oo ay wareegto looyo ku magacaabeen in Xamiid Kasaare laba sanno oo dambe jagada sii galgasho, wareegtadaa waxa kaloo ku qornaa in aanu Xamiid Kasaare muddadaa uu jagada hayo, gabadhiisa furi karin, minyarana isku dayi karin.

Afada Xamiid qabo oo magaceeda la yidhaa Shumburo, ayaa qodobkaa ku faraxday oo tidhi; “Allayle baga, marbaabu na furi gaadhay, iyadoo warar horena sheegayaan in marwo Shumburo, war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ninkeeda Xamiid Kasaare, damcay inuu furo, laakiin markii uu dalqada riday ay ka gabatay oo ay dalaaqdiina sidaa ku dulmartay.

 

Haddaba, dalka Afbagistaan oo ah dalkii uu Maraykanku ka qabsaday wadaadadii gaaldhibaan la odhan jiray, ayaa Xamiid Kasaarana wuxu ka mid ahaa hubkii lagu qabsaday Afbagistaan, kaas oo sancadiisa lagu sameeyay magaalada Boon xirsi ee dalka Jarmalka. Taas oo sidii dawladda Xamar, xawaalad lagu geeyay dalkaas.

 

Si kasta ha ahaatee, dalkaas Afbagistaan oo ah dad ay Soomaalida isku sanco dhaw yihiin, ayaa la sheegay in ay xadeen kaartadii caqiibada lahayd ee Jamhuuriyadda Shankaroontu ku sallaxantay. Farsamdaaas oo made in Shankaroonland ah, oo aan iib iyo amaanatoona looga qaadin. Balse indhedhnedka laga dhex xaday, kaas oo labadii cashar ee u horeeyay loo dhigay casharada loo dhigay, waxa ka mid ahaa bil amaarra shirkii Boorama, kordhintii Hargeysa, samaynta Gole Guurti, samaynta cahdi qarameedka, casharada u dhiman ee ay qaadan doonaan, waxa ka mid ah; qabasha shir-beeleed weyn oo ay isugu yimaadaana Guurtida LOOYA JIRGAANKA, bedelka Calanka, samaynta distoorka, cod u qaadista distoorka, iska qayilka iyo barashada dulqaadka, Suldaano ku duulka, udub samaynta iyo urura diiwaangelinta iyo qodobka ugu dambeeya ee Madaxweyne Dhimashada iyo ku-xigeenka Dumaalista.

Ameerika

Madaxweyne Buushaha Maraykanka, ayaa la sheegay inuu samaystay Hay’ad cusub oo argagixiso ah, kaas oo uu ugu talo-galay inuu ku argagixiyo, wiilka belada ah ee Sadaam Xuseen.

Madaxweyne Buushe, isagoo biir badan dhamay, ayuu in aanu ka qarmahayn inuu hay’adiisa, sii ay eegta, la yidhaa uu u rogi doono Argagixiso sabisteeshin, una diri doono Ciraaq, si ay shuqul argagixiso ugu dilaan Sadaam.

 

Warka Maraykan ka yimi, ayaa sheegaya in nimankas argagixisada loo carbinayo marka hore gadhka loo dheeraynayo, shaarubahana laga xiiray, Af-carbeedkana la  baray, salaada iyo sida cumaamadda loo xidhana la baray, iyagoo ragas wejiga dhulka loogu garaacay, si loogu maleeyo in ay sujuudu calaamadisay, waxaana tababaradooda ka mid ah, sida daaraha dayuuradaha loogu dhufto iyo sida dadku isu qarxiyo. Amuurtaas waxa diiday rag waaweyn oo reer Maraykan ah, kuwaas oo ka baqa-qaba in ragaasi dib-ba ugu noqon waayaan oo ay  muslimka halkaas ka galaan.

 

Dhegaystayaal, maanta warkii halkaas hay daaqo, waxaanse mar kale sidaydii idinku odhanayaa Gabay ciyaareed cajab badan oo aan u tiriyay saaxiibadayda aanaan is aqoon ee reer Sinigaal.

Gabay

 

Indhawaydba Gabay booshaqii

Maan ka gabaxsiine

Afrikaan gugaa maanta ah

Geesiyaa u kacaye.

Sinigaal gufaacaday dhigtiyo

Guulahay dhalisay.

Dhankaas qodxii waa naga go’een

Nagu gamuuraaye.

Gidigeed adduunyada miyay,

Goolal ku asqaysay.

Faransiiskii guulaha badnaa,

Galab ma xaadhsiiyay.

Gigta weerarkii Urugwaay,

Golow ma dhiilaabay.

Gambo ma u xidhay wiilashii

Labada gees xiirtay.

Marta gogosha waa kuwii,

Ka dhigay geesh iswiidhana eh.

Garoonkiyo istaadiyamkii sacabku

Mays gaadhay.

Gaaliyo islaamba miyuu

Gacanta noo taagay.

Gagabkii jugtii dheenis cuskatay,

Guul-darada ooye.

Goortay arkeen weerarkiyo

Gulufka yaacaaya

Gidigoodba waa wada baqiyo

Goojo dhabar-saare.

Weli guushu waa iga qabyoo,

May gunaanadmine.

Jeeroon Jabaaniyo gil-gilo

Gobolo laatiin ah.

Ingiriiska guunka ah anoon

Galab u quus-qoynin.

Oo aanay Gabanka Beckham ah,

Ooyin gabadhiisu,

Jarmal iyo ilaa aan gun-dhabo,

Garac-baraasiil ah.

Oo aan Rifaaldiyo laga goblamin

Gocorka kaarloos ah.

Maraykaan gadaal baxay anoon

Gawda kaga saarin

Gadiid laysu wada-jiro hadaan,

Guusha lay dayn

Galaskaa malaasan hadaanan,

Gacan ku soo qaadin.

Geedkii ba’ intaan taw la dhaho

Oon geeyo gurigayga

Gudin iyo intaan faash la Dhaco,

Qurub u googoynin.

Ciisiyo, kamaariyo, guroow,

Gabaygu waa beene.

 

Maayar Cusub Oo Loo Magacaabay Magaalada Jig-Jiga

 

 

Jig-jigga (Haatuf): Madaxweynaha is-maamulka qoomiyadda soomaalida ee kililka 5aad ee dalka Itoobiya C/rashiid Duullane Rafle ayaa dhowaan maayar cusub u magacaabay magaalada Jig-jiga oo ah caasimadda is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

 

Sida ay daboolka ka qaadeen warar naga soo gaadhay magaalada Jig-jiga waxa magaciisa la yidhaahdaa maayarka cusub ee magaaladaa loo magacaabay Cali Yuusuf Ciise (Cali-dhadac) oo la sheegay inuu ka mid yahay aqoonyaahannada waaweyn ee degaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana waxa uu Cali Yuusuf ka mid ahaa aqoonyahannada dalalka debedaha ku noolaa, laakiin dalka dib ugu soo laabtay.

Sida uu warku sheegay Maayarka cusub ee Jig-jiga Cali Yusuf Ciise waxa uu ku dhashay magaalada Jig-jiga sannadkii 1957-kii, halkaas oo uu waxbarashadiisii dugsiga Hoose/dhexe ku qaatay, laakiin waxbarashadiisii dugsiga sare iyo tiisii heer jaamacadeed waxa uu ku qaatay Somaliya., wuxuuna ka qalin-jebiyey mac-had sare oo cilaad-qaadka caalamiga ah.   Sidoo kale waxa uu soo qabtay xilal sar-sare oo ay ka mid yihiin safiir iyo kuwa kale.

 

Warka ku saabsan magacaabista maayarka cusub ee Jig-jiga waxa kale oo uu sheegay in magacaabista Cali Yuusuf ee jagadaa aad loo soo dhoweeyey, isaga oo maayarka cusubina dhiniciisa ballan-qaaday inuu ku dedaali doono sidii kor ugu qaadi lahaa adeegyada guud ee magaalada maayarka looga dhigay ee Jig-jiga, iyadoo ay wararku intaa ku dareen inay magacaabista maayarka cusubi qayb ka tahay dhismaha Xukuumadda cusub ee uu madaxweyne C/rashiid Duullane soo dhisay dhawaan. Taas oo la sheegay inay xukuumadda C/rashiid Duullane ku shaqayn doonto nidaam cusub oo ka duwan dhaqamadii dawladihii ka horeeyey, waxayna dadka degaankaasi maamulka cusub ee xukuumadda C/rashiid Duullane ku tilmaameen mid muuqaal ahaan tayo leh, taas oo la sheegay in xilalka maamulkaa loo magacaabay rag aqoon ahaan aad loo tuhunsan yahay.

 

WAADIGA CIYAARAHA

Ashqaraarla Koobka Adduunka 2002

Oo Keenay In Ciroolihii Ay Caruuri Ka Adkaato

 

Yokohama (Haatuf) :- Markii la galay wejigii labaad ee koobka adduunka ee qoor-qabadka (neck out), waxay koox waliba ku dedaashay inay ku guulaysato geesiyada sannadka, sida weeraryahanka dhaliya goolka dahabiga ah (the golden goal), ama goolhayaha ku hagoogta kooxdiisa, guul-darrana ka badbaadiya.

 

Laakiin waqtiga ayaa kala reebay oo halyeeyo ayaan wareegi horeba soo dhaafin, 10 ka mid ah raggii wax is bidayay ayaa fara madhan kala huleelay, kuwaas oo ay ka mid yihiin ciyaartoy iyo tabobarayaal qaarkood ku saaqideen ama nasiib-darro ku habsatay darteed ugu hungoobay tartankii.

 

Zinedine Zidane ayay nasiib-darradii ugu xumayd ku dhacday, wuxuu ahaa xiddigii ugu fiicnaa ee tartanka yimaada, waxaana la filayay inuu koobka adduunka Faransiiska gaadhsiin doono, ugu yaraan wareega kama-dambaysta (simi-final-ka). Inkasta oo uu ka cabanayay dhaawac, wuxuu ku soo laabtay ciyaar, balse wuxuu seegay kulamadii bilowga ee Faransiisku yeeshay, wuxuuna ciyaaray kulankii saddexaad oo uu soo bandhigay ciyaar, laakiin waxba kama tarin inuu joojiyo guul-darradii Denmark u geysatay, taas oo keentay inay wareega hore ku hadhaan, iyaga oo leh dhibic keliya wax goolal ahna aan dhalin.

 

CLAUDIO CANIGGIA

Dagaal-yahanka Argentiniga ah waa markii saddexaad ee uu koobka adduunka ka qaybgalo, xulkana wuxuu dib ugu soo laabtay markii lix sannadood uu ka maqnaa. Wax waliba way ka khaldameen, dhaawac kedis ah oo ku dhacay ayaa ka reebay labadii ciyaarod ee hore. Kulankii ugu dambeeyayna kursiga kaydka ayaa loo magacaabay, laakiin waxa kaadh la siiyay isaga oo aan weli ciyaarta gelin, markay isku dhaceen calan-walayaasha, sidaana wuxuu kaga qaday rajadiisii.

 

Veron iyo Batistuta, waxay yimaadeen iyaga oo sum-cad wal-walaanaya. Batistuta oo dhaliyay goolkii sagaalaad wuxuu ku talo-jiray in uu jejebiyo rikoodhkii uu dhigay Gerd Mueller oo 14 gool dhaliyay.

Argentina, waxay dirqi kaga badisay Nigeria oo ay 1-0 ku dirtay, laakiin iyana England ayaa gool rigoore ah kaga badisay.

 

Si ay wareega labaad ugu gudubto waxay u baahnayd inay ka badiso Sweden, laakiin taasi ma dhicin oo barbaro 1-1 ah ayay ku kala baxeen. Isla kulankaas, tabobare Marcelo Bielsa, wuxuu Veron kaga tegay kursiga kaydka markii ugu horraysay sannadkan.

“Waxaan soo maray 10 sannadood oo qiimo leh, laakiin kan ayaa igaga xumaa,” sidaa waxa yidhi Batistuta. Waxa kale o farriin calaa-cal ah ku hadaaqay Veron oo yidhi; “Waxaanu seegnay rajadii hanashada horyaalka, waana mid ay nala qabeen dhammaan reer Argentina.”

 

JOAO PINTO

Pinto, waa xiddig sumcad weyn ku leh dunida, wuxuuna ka mid yahay koox lagu magacaabo dhallinyarada dahabka ah ee reer Portugal (golden generation). Hadda Pinto koobka adduunka wuxuu kala tegay dhiriq iyo magac xumo, wuxuu ku guul-darraystay inuu markeliya kubbad shebegga taabsiiyo. Kulankii ugu horreeyay waxaa 3-2 kaga adkaaday Maraykanka, wuxuu markale marin habaabay kulankii Portugal ay 4-0 kaga badisay Poland. Portugal oo u baahnayd dhibic keliya si ay wareega labaad ugu gudubto, Pinto ayaa ciyaarta laga saaray markii uu si fool-xun daqiiqaddii 28aad khalad u galay.

 

ROY KEANE

Kabtan Keane, kumuu guulaysan kulan keliya, kahor intii aan ciyaaryahanka Manchester muran la demin kari waayay kala hor-yimi tabobaraha Ireland Mick McCarthy, oo markii dambe gurigiisii ku celiyay. Keane, wuxuu ugu dambayntii garoonka ka daawaday wacdarihii innamada cagaaran, oo wareega labaad si fiican ugu gudbay, kahor intaanay rigorayaal ku reebin Spain kulankii wareega siddeeda, iyada oo uu isagu ka maqan yahay.

 

DAVOR SUKER

Koobkii adduunka ee 1998, wuxuu hantay kabo dahab ah, wuxuu dhaliyay lix gool oo uu kooxdiisa ku gaadhsiiyay wareega kama-dambaysta ah. Hadda Suker, waxaa u qorshaysnayd inuu markale gool-dhalinta meel sare ka gaadho, wuxuuse ciyaaray 63 daqiqadood oo kulankii furitaanka ah, waxaana 1-0 kaga badisay Mexico, Suker oo 34-jir ah waxaa u run-sheegtay da’, tabobarihiisuna wuxuu ku dul ilaaway kursiga kaydka, balse dalkiisiiba wareegii hore ma soo dhaafin. Suker wuxuu tilmaamay nasiib-darro ku timi; “markaan Japan ;imid waxaa hamigaygu ahaa inaan goolal badan dhaliyo, laakiin ma dhicin oo da’baa ii run sheegtay,” sidaa waxa yidhi Suker.

 

SAMI AL-JABER

Inkasta oo aanu ka mid ahayn xiddigaha dunida, haddana wuxuu ku han-weynaa inay soo gaadhaan wareega labaad. Kulankii ugu horreeyay waxaa 8-0 kaga adkaatay Germany, wuxuuna ka dhaawacmay ruuga. Al-Jaber, waxaa ku dhacday nasiib-darro, oo maalintii labaad ayaa cusbitaalka loola cararay cusbitaalka loola carara markay xummadi u dhammaatay jidhkiisa, waxaana laga qabtay caloosha, jawaabtiina waxay noqotay in qabsin laga helay qalliina uu u baahan yahay.

Al-jaber oo markale waddankiisii loola cararay ayaa maqlay in kulankii saddexaadna lagaga adkaaday waddankiisii.

 

Brazil Oo 2-0 Kaga Talaabsatay Belgium

 

Kobe, (Haatuf) :- Iyada oo laba kooxood weli ka hadhsan yihiin siddeeda waddan ee isugu imanaya wareega saddexaad ee koobka adduunka, ayay Brazil noqotay waddankii shanaad ee tartankaa u soo baxay, waxayna ku biirtay waddamada; England, Germany, Spain, Maraykanka iyo Senegal.

Tartanka koobka adduunka oo meel gebo-gebo  ku dhow gaadhay ayay ilaa hadda waddamadii ciyaaray kala dhaliyeen 147 gool.

 

Waddamada Maraykanka iyo Senegal ayaa markii ugu horraysay gaadhay kaalinta siddeeda.

Senegal oo kulankii wareega 16-ka la yeelatay Sweden, oo waddada ku ridday waddankii ugu weynaa ee loo saadaalinayay koobka adduunka ee Argentina, ayaa ku tallaabsatay guul taariikhi ah, kadib markii ay 2-1 ku dhirbaaxday kulan is loodin waayay, kadibna waqti dheeraad ah lagu daray.

 

Weeraryahanka Henri Camara, ayaa ciyaartaa kaalin libaax ka qaatay, guul-darrona ka badbadiyay waddankiisa oo halbowlayaal laf-dhabar ahi kulanka ka fadhiyeen. Senegal waxay hadda sugaysaa hadba ka soo baxa Turkiga iyo Japan, oo ay wada ciyaarayaan 22-ka bisha oo ah Sabtida soo socota.

Kulamadii shalayna waxay u dhaceen sidan;

 

BRAZIL 2, BELGIUM 0

Brazil, oo muddo dheer far kala bixi weyday Belgium, ayaa ugu dambayntii 2-0 kaga tallaabsatay mar shalay ciyaari ku dhexmartay garoonka magaalada Kobe, ee Japan-ka.

Weeraryahanka Rivaldo ayaa dumiyay derbigii goolal la’aanta daqiiqaddii 67aad, waxa kale oo isna inyar kadib labeeyay Ronaldo.

Belgium, oo weeraro degdeg ah ciyaarta ku bilowday ayaa daqiqadihii 1aad iyo shanaad khatar geliyay Brazil, sidoo kale Juninho Paulista, ayaa helay fursaddii ugu wacnayd ee Brazil, balse wuxuu u laaday qaab aan wanaagsanayn, taas oo keentay in kubaddu si fudud goolka u baal marto.

Rivaldo iyo Ronaldo ayaa iyana lumiyay laba fursadood oo ay heleen.

 

Isla daqiiqadihii 37aad iyo 41aad ayay Brazil iska lumiyeen laba fursadood oo kale.

Ciyaaryahanka Roberto Carlos, ayaa helay fursaddii ugu dambaysay ee qaybtii hore, balse wuxuu kubaddii baal-mariyay goolka Belgium.

Belgium, ayaa iyana fursad saddexaad heshay daqiiqaddii 53aad, oo Wilmot, kubadda ka helay qiyaas 20 mitir goolka u jirta.

 

Belgium, oo ku ciyaaraysay niyad-sami, ayaa isla waqti yar kadib markale iska lumisay fursad qaali ah oo uu Mpenza ka helay goolka afkiisa, kubbadaas waxaa isku duubay goolhayaha Brazil Marcos, oo khataro badan ka badbaadiyay waddankiisa.

Weerarka Brazil, oo ay hormood ka ahaayeen Ronaldo, Rivaldo iyo Ronaldinho, ayaa ugu dambayntii kala tuuray difaaca Belgium oo aad u habaysnaa.

 

Ronaldinho, ayaa kubadda u soo gudbiyay Rivaldo oo dhexda taagan. Rivaldo ayaa kubadda si fiican laabta ugu dejiyay kadibna kubbad leex-leexanaysa ku laaday goolkii uu hortaagnaa Geert De Vileger.

Belgium, oo aad uga cadhootay goolka laga dhaliyay ayaa culays saartay, waxayna heshay fursad qaali ah oo uu helay Bert Goor, balse fursaddaasina axay noqotay mid ka luntay.

 

Kleberson, oo beddel ku soo galay ayaa baalka midig kubbad ka helay, kadibna u hib eeay Ronaldo oo si fudud kubaddii ugala baxsaday goolkii kadibna si fudud u dhaliyay.

Goor, ayaa fursaddii ugu dambaysay ee Belgium ka lumiyay, balse waxay noqotay bar-kuma-taal, ciyartiina waxay ku dhammaatay 2-0. brazil waxay wada ciyaarayaan England maalinta Jimcaha.

 

Japan Iyo Turki, Kii Roonow Reerka U Hadh

 

 

Miyaga – Japan (AFP) – Tabobaraha Japan Philippe Trousser, ayaa ciyartoygiisa ku amray inay digtoonaadaan oo aanay is dhigan inta ka horraysa kulanka ay maanta la yeelanayaan waddanka Turkey, si aanay halkaa ugu dhamaan oo ay kor ugu qaadaan taariikhdooda oo markii ugu horraysay gaadhay kaalinta qoor-qabadka.

 

Waxa kale oo uu xiddigihiisa kula taliyay in aanay isku mashquulin wararka warbaahintu shubayso ee ku saabsan heshiisyada, kuwaas oo ay u harraadan yihiin ciyaartoygii ku hadhay wareega koowaad.

Waddanka martigelinaya oo ugu sarreeyay qaybta (H), waxay ku soo baxeen laba badis iyo barbaro, haddana fursaddooda ay kaga badin karaan Turkiga waa 50-50, kaas oo iman kara keliya haddii ay si fiican u ciyaaraan.

 

Turkey iyo Japan, oo ay labadaba hadda ugu horrayso soo gaadhista kaalinta oo kale waxay ku biiraysaa Senegal iyo Maraykanka oo ay isku mid yihiin.

Maraykanku, wuxuu kaalinta siddeeda u gudbay, kadib markii ay 2-0 ku jiidheen Mexico.

 

Japan, taratnkii kan ka horreeyay ee 1998, saddexdii ciyaaroodba waa laga badiyay. Laakiin jir-jiroolaha Faransiiska u dhashay ayaa sheegay in aanu kulankaa dib u dhigayn ragga halista ah oo uu xagga hore ka safayo. “Waxaan rabaa inaan waqti buuxa ciyaartoyga aan fadhiisin jiray,” sidaa waxa yidhi Troussier. Isaga oo tilmaamaya qaar ka mid ah ciyaartoygana wuxuu tusaale u soo qaatay xiddiga Parma ee Hidetoshi Nakata iyo ciyaartoyga Feyenood Shinji Ono, wuxuuna intaa ku daray inuu labada ciyaartoy si weyn ugala hadli doono qaabka ay u qaybsanayaan ciyaarta.

 

Kulan kale oo kaa la mid ahina wuxuu isla maanta dhexmarayaa Talyaaniga iyo Korea, oo wada yeelanaya ciyaartii ugu dambaystay ee wareega 16-ka waddan.