Haatuf, Cadadki 99, June 19, 2002

“Daahir Rayaale, Isagaa Arrinta Weydeeyay.. Markaan Idhi Aynu Is Aragno-Na Diiday”

Marwo Kaltuun X.Daahir oo ka hadashay Joogitaankeeda Madaxtooyada

 

 

Hargeysa (Haatuf): Marwada uu ka tegey Madaxweynihii geeryoodey ee Somaliland marwo Kaltuun X.Daahir Cigaal ayaa markii ugu horreysey ka warrantay sababta ay u sii deggan tahay Madaxtooyada iyo khilaafka la sheegay in arrintaasi ka dhexdhalisay iyada iyo Madaxweynaha cusub mudane Daahir Riyaale Kaahin. Marwo Kaltuun waxa ay xaqiijisay is-maandhaafka ku saabsan sii deganaanshaheeda Madaxtooyada, waxayna dusha ka saartay mudane Rayaale masuuliyadda khilaafka iyo in arrintu ay murugto. Waxa kale oo ay ku cabatay in uu ula dhaqmay aanay filayn.

 

Wararka iyo dareemada ku saabsan khilaafkan ka taagan madaxtooyadu waxa ay si aan rasmi ahayn ilo kala duwan uga soo baxayeen intii ka dambeysey geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal horraantii bishii May. Hase yeeshee, waxa ay hadal-haynta arrintaasi si weyn ugu baahdey magaalada maalmihii u dambeeyey,iyada oo ay wararkaasi sheegayaan in marwo Kaltuun ay ku soo gacan-saydhay ergo dhawr ah oo uu Madaxweyne Rayaale u diray si ay ugu qanciyaan inay ka guurto qaybta sare ee guriga Madaxtooyada oo hoy u ahayd Madaxweynihii hore.

 

Marwo Kaltuun oo uu shalay la soo xidhiidhay wargeyska Haatuf, waxna ka weydiiyey khilaafkaas oo uu wargeysku cadadkiisii shalay boggiisa hore ku iftiiminayey waxa ay ka bixisay jawaabtan kooban:

 

“Anigoo aan jeclayn inaan arrintaa hadda ka hadlo,waxan aad uga xumahay arrinku siduu ahaa iyo sida loo marin habaabiyey iyagoo dad dano gaara ka lihi ay sidaa u dhigeen, laakiin aan ka warqabo dadkaa iyaga ah.

Horta gurigani waa aqal dowladeed, kii dhisay, ka ku jira iyo ka ku soo socda midna ma leh oo wuu ka tegi goor ay noqotoba. Waxayse Soomaalidu tidhaahdaa ‘Aji xurmo ayaa deeqda, Biddena cunto.’

Ama Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa maanta arrimin lahaa ama Daahir Riyaale. Waxaan hubaa – ‘Illaahay baa la hubaaye’ – M/weyne Cigaal nool yahay xaaska iyo carruurta Ina Riyaale aanu ka yeeleen siduu Daahir iga yeelay.

Geeridii ninkayga anigoon illoobin oo baroortii indhahayga ka qoyan tahay,caafimaadkayguna hoos u dhacay, anigoon cuntona cunin, hurdona seexan waxa igaga kaar kululaa hagardaamada joogtada ah ee uu igu hayo. Isagoon haba yaraatee cayimin meel aan dego, isagoo ii adeegsaday intii aniga Madaxtooyada iigu xigtey isna (Daahir) xagga dambe u fadhiistay. Haddana si xun wax u sheeg sixir ka darane suuqiina borobogaado ku sii daayey aniga laygu eedaynaayo.

 

Xataa xalay (habeen hore, salaasadii) saddex goor ayaa dhakhtar aan u baahnaa layga celiyey, loona sheegay in amar Madaxweyne lagu celiyey. Qofka I doonaba waxa la yidhaahdaa “noqo, waa amar madaxweyne”.

“Soomaalidu waxay tidhaahdaa nin reero u weyn iyo naag naago ka umulisay labaduba siday wax u ogyihiin uma sheegaan. Daahir Riyaale isagaa arrinta weydeeyey, oo markaan idhi aan is-aragno awalba anagaa isku madaxtooyo ahayne oo aannu wada tashano diidey oo yidhi u tegi maayo. Dabadeedna arrintii way jiitantey iyadoo aan loo baahnayn.”

 

Marwo Kaltuun ma caddayn waxa ay hadda kadib ka yeelayso arrinta iyo ku-talagalkeeda. Dhinaca kale ee arrinta, mudane Daahir Rayaale ayaanay noo suuragelin in aannu wax ka ogaanno, wax war ahna aan ka soo saarin arrinta, iyadoo xubno ka tirsan dadka arrinta ka ergeeyeyna ay ka gaabsadeen inay si rasmi ah uga warramaan.    

 

Qurux Badso Qurux Beel Bay Leedahay


“Bal eeg wejigaagan heeran, Maxaa haragii ka saaray”


Muuse F. Jaambiir – Faaqidaad ku saabsan dhibaatada quruxda samayska ah

 

 

Waayadan dambe waxa si xad-dhaaf ah u soo kor-dhaya dhaqamo iyo caadooyin aanay hore guud ahaan bulshada Soomaalidu u lahayn ama ugu abtirsan jirin, balse hadda si weyn uga dhex bidhaamaya geedi-socodka nololeed ee dadka Soomaalida.

 

Dhaqamadaa iyo caadooyinkaa cusub ee soo kordhaya waxa ka mid ah: hab-dhaqan cusub oo ay haween badan oo da’kasta lihi ku dooriyaan midabkoodii iyo quruxdoodii dabiiciga ahayd ee illaahay u sameeyey ama u dhaliyey, iyaga oo jidhkooda u isticmaalaya waxyaalo kiimikalis la isku dar-daray ah oo khatar ah, iyadoo kiimikaliska ay oogadooda marinayaan aan looogu talo gelin haba yaratee in sidaa loo isticmaalo.

Daawooyinka kiimikalka ah ee ay haweenku midabkooda ku dooriyaan waxa ka mid ah, uguna halisaysan Bet-novate iyo Der-movate, inkasta oo aanay ka dhicin wal-xaha kale ee kiimkada ah ee ku lamaaniba.

Hase yeeshee sida ay dhakhaatiirtu marar badan cadeeyeen labada daawo ee Bet-novate iyo Der-movate waa kuwa ugu khatarsan alaabooyinka kiimikada ah ee ay haweenku ku suuliyaan ama ku tir-tiraan dunta sare ee midabkooda.

 

Waa suuragal inay dadku siyaalo kala duwan u arkaan dhaqnkan, laakiin waxay xaqiiqdu tahay inuu dhaqankani noqday bal-wad si ba’an u saamaysay haween aad u badan oo marba marka ka dambaysa tiradoodu soo badanayso.

 

Inkasta oo laga yaabo in haweenka daawooyinka kiimikalka isku cadeeya uu hankoodu siiyey ama ay u arkaan inay sidaa ku raadiyaan qurux saayid ah, haddana waxay xaqiiqdu tahay inaanay sidaa cidina ku helayn qurux iyo bilic ka duwan ama ka saraysa tii Illaahay qofka u abuuray.

Ta kale waxa, iyadana marag ma doon ah in dheefta keliya ee ay haweenka sidaa yeelaa dhax-layaan ay tahay meel ka dhac diimeed, caafimaad daro soo waajahda naftooda, burbur dhaqaale, tamar daro shaqo IWM.

 

Sida ay xaqiijiyeen war-bixino caafimaad oo ay dhakhaatiirta qaarkood ka soo saareen arintaa waxa la sheegay inay boqolaal haween ahi la soo xidhiidheen goobaha caafimaadka, taas oo ay dhakhaatiirta war-bixintaa soo saaray tibaaxeen inay haweenkaasi ka cabanayaan xanuuno badan oo ay ka dhaxleen isticmaalka daawooyinka kiimikalka ah ee isku qurxiyaan. Hase yeeshee iyadoo ay arintu sidaa tahay ayaa haddana waxa taa barbar taal inay jiraan haween badan oo u hammuumaya inay yeelaan sida ay qayrkood yeeleen, taas oo u muuqata inaanay ku xisaabtamin ama aanay dersin dhibaatada ay arintaa kala kulmeen haweenkii uga horeeyay.

 

Si kastaba wax haw jireene war-bixinaha caafimaad ee ay soo saareen dhakhaatiirta qaarkood waxa lagu tibaaxay in haweenka goobaha caafimaadka la soo xidhiidhay ay qaarkood markii ay goobta yimaadeen ay wejiyadooda qarinayeen, iyadoo ay dhakhaatiirta warbixintaa soo saaray xuseen in sababta ay haweenkaasi wejiyadooda u qarinayaan ay tahay raadad caafimaad daro iyo boogo ay wejiyadooda ku reebeen daawooyinkii ay isticmaaleen, sida: dil-dilaacyo iyo nabaro caabuq ka muuqdo.

 

Dhinaca caafimaadka ka sokow bal-waddan is-cadaynta dhinaca maqaarka oo lagu naanayso (Buufis) waxay saamayn weyn oo dhaqaale ku yeelatay dhinaca nolosha mujtamaca guud ahaan, gaar ahaana geedi-socodka nololeed ee qoyska, sababta oo ah haweenka daawooyinkan isticmaalaa waxay had iyo goor u baahdaan dhaqaale ay ku daboolaan baahida bal-wadooda, taas oo haddii ay haweenaydii bal-wadaa lahayd ay waydo dhaqaalihii ay ku baahi bixi lahayd ay xaaladeeda nololeed la soo dersayso wer-wer iyo wal-bahaar, taasina waxay keentaa inay goor walba heegan u noqoto ama ay aad isugu mashquuliso sidii ay u heli lahayd dhaqaale kaafiya baahida bal-wadeeda, iyadoo had iyo jeer ku jirta baqe joogta ah , taas oo ay ka cabsi qabto inay daawadu ka kala go’do oo uu jidhku waayo xiligii uu u baahnaa.   Sidaa darteed waxay dadka arimahan u xog-ogaalka ahi sheegeen inay haweenada bal-wadaa leh baahidu ku kelifto inay bal-wadeeda qayb uga qoondayso dhaqaalaha nololeed ama mas-ruufka qoyskeeda, waxaana taa ku kelifaya baa la yidhi wer-wer ay ka qabto in xili uu bal-wadeeda kal-keedii taagan yahay ay waydo wixii ay kiimikada siisan lahayd, taasina waxay lagama maar-maan kaga dhigtay inay had iyo goor jeebka wax ku hayso oo aanay marnaba faro-madhnaan ku dhicin.

 

Sida ay xaqiijiyeen dad badani waxay bal-wadda is-qurxintu sababtay burburka qoysas badan, ka dib markii ay ninka iyo ooridiisii ku negaadeen ama ay ka bixi waayeen muran iyo qalalaase cidhibta ku haya bal-wadda is-qurxinta.  Hase yeeshee waxaad moodaa inaanay xoogoodu ku baraarugsanayn ama aanay ogaynba dhumucda dhibaato ee ay bal-waddani leedahay dhaqan ahaan, caafimaad ahaan, nolol ahaan iyo dhaqaale ahaan-ba , laakiin way jiraan dad ku baraarugsan ama ay taabatay dhibaatada meesha taal, iyadoo ay weliba xataa jiraan haba yaraadeene dad u ololeeya sidii wax looga qaban lahaa arintan .

 

Inkasta oo aad moodo inaan arintan dhibaatadeeda si ballaadhan diiradda loogu hayn Af iyo Adinba, haddana waxaynu xusi karnaa dhinacyo ka hadlay marar dhawr ah sida: Saxaafadda iyo Dhakhaatiirta, laakiin dhinaca kalena way jiraan dad badan oo wax garad ah oo dareenkooda ka muujiyey ama ka hadlay arintan ama ay taabatay.

 

Tusaale ahaan Ibraahin Xirsi Hurre oo lagu naanayso Dayr-waa ayaa ka mid ah dadka dareenkooda ka muujiyey ama ay taabatay dhibaatada bal-wadda is-qurxintu, sidaa darteed Ibraahin-dayr-waa mar aan la sheekaystay waxa uu ii sheegay inuu goob joog ka ahaa dhawr dhacdo oo ku saabsan qoysas burburay, iyadoo ay sababt ay u burbureena la xidhiidho muran iyo qalalaase dabada ku haya bal-wadda is-qurxinta, taas oo waxyaalaha la isku qabtay ay ka mid yihiin: Hanaankii shaqo iyo hawl-maal-meedka guriga ee ooridda looga baahnaa, tashiilidii masaariifta qoyska , diidmo uu ninku diidan yahay ama ka soo horjeedo saamaynta muuqaal iyo caafimaad ee ay arintaasi ku yeelanayso samayska khaaliga ah ee jidhkeeda IWM.  Sidoo kale ragga qaarkood iyaga oo aan meel kaleba ka eegin ayey ka xumaadaan ama ay ra’yul-camkooda saamayn ku yeelataa marka ay hadal-haynta ama doodda bal-waddaasi timaado goobaha lagu kulmo, taas oo laga yaabo inay xifaalaynta iyo soo hadal-qaadka bal-wadaasi ragga qaarkii si dad-ban dareenkiisa u saamayso, ragga qaarkiina waxa laga yaabaa inay si toos ah dhafoorka ugaga dhacdo, waayo waxaaba dhici karta inay dadka aad u afka dhanaan lihi haddii ay doonaan ku yidhaahdaan: Xaaskaaga ama gabdhaha aad dhashay waa buufis, taasina ay ugu yaraan dhaqan ahaan u damaqdo,ka dibna uu hadhow xaaskiisa ama Inantiisa ku yidhaahdo” Waxan maalin-walba waa nalagu caayaaye iska daaya”, halkaana uu ka bilaabmo muran lagaba yaabo inuu keeno heer ilaa burbur ah.  Laakiin bal aynu dib ugu noqono Ibraahin-Dayr-waa iyo sida uu dareenkiisa uga muujiyey dhibaatada bal-wadda is-qurxinta.

 

Ibraahin Xirsi Hurre (Dayr-waa) waa nin suugaan yahan ah, gaar ahaan dhinaca gabayada , sidaa darteed dhibaatada arintaa ka tiriyey tix gabay ah oo uu ku muujinayo saamaynta ay bal-wadda Is-cadayntu ku yeelatay dhinacyada : Dhaqaalaha , caafimaadka, shaqada, macaamilka nolosha, Hiddo-samida dhaqanka , akhlaaqiyaadka Ijtimaaciga ah IWM., hadaba iyadoo ay Dayr-waa curinta gabaygiisu ka dhalatay sida uu sheegay qoys (nin iyo ooridii) oo arintaa darteed ku kala dhaqaaqsay oo uu goob joog ka ahaa , waxa uu gabaygiisa ku bilaabay:

 

Aduunyadu waa habeen dhax, hir-doogliyo hadimo weeye.

Hammaa dadka lagu abuuray, markuu hano-qaado ruuxu.

Wuxuu qayrkiiba haysto, u hawl-gal inuu haleelo.

Haweeyaay hadaladaydu, hareer bay kaa maraanoo.

Hortaada markaan imaado, anuun baa kugu harraadee.

Hir aan ii muuqanayn iyo hilaacyaa, kuu baxaaya.

Hawada Somaliland-ba, horaad sow uga dhaqaaqday.

Hargaysa adoon ka dhoofin, hoollan iyo yurub buu ku geeyey.

Hoogtooy midabkaagi hooyo, hanaankii lagu abuuray.

Habkaagiyo haybadaadii, illaahii hore kuu sameeyey.

Isagaan waxba kuu hambayne, Dukaanada Reer-Hargaysa.

Sun iyo waabay la huurshey, ayey qaarkood hayaane.

Hadaad hubkii ku jaraayey, intaad wax hagaagsan moodey.

Naftaadii miyaad halaagtay, bal eeg wejigaagan heerran.

Maxaa haragii ka saaray, haweenku shaqay qabtaane.

Mad-bakhii ku hagaagi maysid, dabkaad show ku hol-cataa.

Hadhkiina qado dooni maysid, cad-ceedaad ku hafataa.

Sidii haan guriga taal , halkaasaad yuururtaa.

Markaad hilib noqotay heerran, haadkii samadaa lalaayey.

Huryadii xoolaha cunaysay, bisaaskaan ka hortaagnay.

Digaagaa ku hungureeyey, bal inanyahay hawlahaaga.

Xagee baan kaga hagaagi, ma hiirtaan shaqo tagaa.

Oo hantaan kuu raadiyaa, Ma dugaagga ku haybinaaya .

Iyo jiirkaan kaa horjooga, Markaan la hadleen idhaahdo.

Naa haweenka xinnaha u heellan, huruud baa la marsadaa.

Cillaanku wax hawl yar weeye, adigoo indho-kuul helaaya.

Walaal hadimadan ha iibsan, hayaay bay odhanaysaa.

Kan yaa nagu soo habaaray , halkee buu nagala qaaday.

Anigu hanjebaad ma doono, muxuu ii huruufayaa.

Hadii heer sare la gaadhay, Maxaa hoos noo dhigaaya.

Hablaha Somaliland-ba, waxay hore ugu mareen.

Hadaad ka hadh saaka leeday, heshiin maynaan ku leeyay.

Hadana saygii jawaabyey, wuxuu yidhi huunaday.

Oo hadaa yaa ku haysanaaya, hadhowna ku aaminayaa,

Halkaa ka bax baan, ku leeyay. ” Ayuu Dayr-waa ku soo gunaanaday tixdiisii gabayga ahayd.

Laakiin haddii aynu sheekada halkaa ka sii wadno, ma aha arintu inay qoysasku ku burburaan keliya saamaynta arintani ku yeelato dhinaca dhaqaalaha ee sida aynu xagga horeba ku soo sheegnay surimo badan bay bal-waddani uga soo wareegtaa burburinta qoyska .  Tusaale ahaan rag badan ayey ooryahoodii kala dhaqaaqeen oo dalaaq u dedejiyey, ka dib markii ay suulisay midabkeedii Illaahay u abuuray ee uu markii uu guursanayey ku cal-maday. Laakiin si aynu u dhadhamino xaqiiqda ah in ay nin iyo Ooridii ku kala dhaqaaqeen keliya maxaad midabkaagii u bedeshay, bal aynu tusaale u soo qaadano qiso arintaa la xidhiidha oo ka dhacday magaalada Hargaysa.

 

Raage waxa uu u dhashay Somaliland, wuxuuse ka mid yahay dadka ka xoogsada dalka boqortooyada Sucuudi-Arabia, halkaas oo uu ka shaqaysanayey muddo ilaa 20 sannadood ku siman , laakiin saddexdii sannadood-ba mar buu soo gaadhi jirey Reerkiisa (Xaaskiisa iyo Caruurtiisa) oo degan magaalada Hargaysa, mararka qaarkoodna waqti saddex bilood ka yar ayuuba maqnaan jirey.

 

Raage waxa shaqada ka soo geli jirey dakhli aad u buurran , taas oo dhaqaale ahaan u saamaxday inuu ugu yaraan ilaa dhawr guri ka dhisto magaalada Hargaysa iyo weliba dhawr baabuur. Raage waxa u dhaxday Marwo uu aad u jeclaa, taas oo uu quruxdeeda ku il-doogsan jirey, waxa uu magaceedu yahay Khadiija waa gabadh joog iyo jamaal-ba rabbi qurux kun mannaystay, islamarkaana dabeecad sami iyo akhlaaaq wanaag eebe ugu deeqay.   Khadiija runtii may ahayn qof aad u cas, laakiin waxa uu eebe ugu deeqay midab aad qaali u ah, waxaana weeye maariin dhalaal badan oo weliba casaan xiga, midabkaasina waa midabka uu Raage ugu jecel yahay midabada haweenka qurux ahaan, waana midabkii indhihiisa soo jiitay markii uu guurkeeda u geed fadhiisanayey, wuxuuna ilaa hadda ku qanacsan yahay midabka Ooridiisa oo uu u arko midabka dunida ugu quruxda badan, laakiin Khadiija oo hooyo u ah qoys dhaqaale ahaan aad u ladan, waxa dhegeheeda ku batay sheeoko dumar, taas oo lagu dacaayadaynayo inay tahay qof aan waqtiga la socon, iyadoo ay dumarku aad ugu diseen inay ka guurto midabkeeda, iyaga oo leh “Allaah , naa inan rag lama maleeyo ee waxba ha eegan waxan uu lacag iyo dahab kugu dal-dalayo’e waxa laga yaabaa inu ku naco haddii aaddan is-qurxin , waayo inan rag midab cas baa laga raacay ee Maxaa kuu diiday quruxdan agtaada taal, ileyn aduunna ka wer-weri mayside”. Sheekadu dhegeheeda ayey ka badatay oo maalin-ba xaawaley baa weedho cusub kula soo kaahimanaysa.

 

“ Khadiija weligaaba gud-curkaagaa iska dhex gud, wallee beri baad arki doontaa isaga oo mid yar oo cas kula agyimi, naa heedhee doqoneey miyaadan arag heblaayo iyo heblaayaba shalay digsi dabadii ayey madowga u ekaayeen, maantana maan-sha’alaa shaydaanka ayaad ka naaraysaa quruxda iyo dhalaalka ka muuqda oo cadaanta waxaad moodaa Biritish”.

 

Weedhahaa iyo kuwo kale oo badaniba waxay Khadiija kaga soo butaacayeen haweenka ay bal-wadda is-qurxintu meel dheer la tagtay, iyadoo laga yaabo inay sababo badan kala duwan Khadiija ugu riixayaan inay ku soo biirto, tusaale ahaan waxa laga yaabaa inay qaar badan cidhiidhi kala kulmaan halista kiimikada is-qurxinta, sidaa darteed ay doonayaan inay la bal-wad noqoto ka dibna ay dhaqaalaha la dhuuqaan.

 

Khadiija Inkasta oo ay dumarku olole xoog leh ku qaadeen, haddana hore uguma ay deg-degin ee muddo ayey ka dhego adaygtay, laakiin markii ay dhashay da’dii shanaad ayey waxoogaa ka webisay midabkeedii oo ay isu aragtay inuu waxoogaa diirkeedu soo madoobaanayo, sidaa darteed waxay u soo debecday sheekadii haweenka, waxayna isku qancisay in si ay saykeeda u kasbato oo aanu gabaw iyo habarnimo ka dareemin inay isticmaasho daawooyinka la isku qurxiyo si ay u hesho midab cas.

La soco cadadka dambe qayb kale oo sheekadan ah oo xiisa badan

Arday Ka Qalin-Jebisay Mac-Hadka

AFLAX Oo Shahaadooyin La Guddoonsiiyay

 

 

Harg (Haatuf) :- Xaflad ballaadhan oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 33 arday oo ka qalin-jebiyay mac-hadka AFLAX, ayaa shalay galab lagu qabtay Hotel-ka Ming-sing ee magaalada Hargeysa.

 

Xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen maamulka mac-hadka AFLAX, marti-sharaf badan oo uu ka mid yahay Abwaanka caanka ah ee Xasan Ganay iyo ardayda wax ka barata mac-hadkaasi, waxa khudbad war-bixin ah ka soo jeediyay maamulaha mac-hadka AFLAX, Axmed Ismaaciil Maxamed, waxaanu ka warramay aas-aaskii mac-hadka iyo marxaladihii uu soo maray. Maamuluhu waxa uu sheegay in mac-hadka la aas-aasay 1996-kii, ilaa muddaadana ay ka baxeen 8 difcadood oo ka qalin-jebiyay dugsiga, kuwaas oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa 200 oo arday. Maamuluhu waxa uu intaa ku daray in wax-barashada dugsiga ay u qaybsanto laba qaybood oo kala ah qaybta gelinka hore oo lagu barto culuumta diiniga ah iyo qaybta gelinka dambe ilaa habeenkii oo lagu barto luqadda, ardaydaasina waxay tiradoodu gaadhaysaa 1500. ugu dambayna wuxuu maamuluhu xusay inuu dugsiga AFLAX kaalin mug leh kasoo qaatay wax-barashada iyo kobcinta aqoonta.

 

Abwaanka caanka ah ee Xasan Ganay oo ku hadlaya magaca waalidiinta oo isna hadal kasoo jeediyay xafladda ayaa si weyn uga warramay ahmiyadda ay aqoontu leedahay, isaga oo soo qaatay heeso iyo maansooyin uu arrintaasi kaga hadlay, waxaanu si weyn ugu dhiirigeliyay ardayda iyo dhallinyaradaba inay ku dedaalaan wax-barashada oo aanay luminin fursadda ay haystaan.

 

Ugu dambayna waxa uu u mahad-naqay maamulka iyo macallimiinta mac-hadka AFLAX, sida hagar la’aanta ah ee ay ugu dedaalaan wax-barista ardayda dhigata mac-hadkaasi.

 

Gebogebadiina waxa xafladda ku soo bandhigay masrixiyad ka hadlaysa qiimaha ay aqoontu leedahay qaar ka mid ah ardayda mac-hadka AFLAX iyo hadalo ay ku jeedinayeen luqada Ingiriisiga, taas oo muujinaysay heerkooda aqooneed.

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Salaadiintu Yaanay Ku Dhicin Dhiriqda Siyaasadda

Dalka Af-ganistaan ee qaaradda Aasiya waxa ka jira wax loo yaqaan “Looya Jirga”, waxaana weeye duub-cadda dhaqanka ama Guurtida dhaqanka ee beelaha ama dadka Reer-Afganistan.

Looya jirgaha Af-gaanistaan ma aha gole joogto ah, laakiin waxay isu yimaadaan marka ay dhibaato dhacdo ee ay talo faraha ka baxdo.

 

Dalka af-ganistaan waxa taariikh ahaan inta ilaa inta la garanayo soo maray nidaamyo kala duwan, kuwaas oo saamayn kala duwan ku lahaa Guurtida dhaqanka.

Nidaamka boqortooyada oo dalka Af-ganistaan si weyn uga jirey wixii ka horeeyay toddobaatanaadkii Guurtida dhaqanku waxay talada ku lahaayeen saamayn ama awood badan, wuxuuna nidaamkaasi ahaa mid wax badan ictiraafsan kaalinta Looya jir-gaha  . Hase yeeshee sannadihii toddobaatanaadkii oo uu dalkaa si weyn ugu fiday nidaamkii hantiwadaagga ee midowgii Sofiyeti, xukuumadihii shuuciga ahaa ee xiliyadaa ka talinayey Af-ganistan way baabi’iyeen Guurtida.  

 

Sidoo kale markii la ridey taliskii shuuciga ahaa sannadihii sideetameeyadii waxa talada dalka isaga dambeeyey jabhado qori caaradii wax ku kala rita oo qaarba muddo ka taliyo, jabhadaasina meesha way baabi’iyeen jiritaanka Guurtida, ugu dambayntiina xukuumadii Daalibaan ee mudada ka talinaysay Af-ganistan, iyana way ka takhalustay hogaamiyayaasha dhaqanka .  Hase yeeshee Looya jirgaha ama guurtidu marna meesha kama baxaan waayo xukuumad waliba marka ay muddo meesha ku amar-ku taaglayso way burburtaa, ka dibna marka ay talo faraha ka baxdo ayaa loo yeedhaa Guurtida oo la yidhaahdaa ka taliya aayaha dalka.  Tusaale ahaan toddobaadkii hore waxa magaalada Kaabul ee caasumadda Af-ganistan ku shiray ilaa 1600 oo Guurti ah, waxayna taasi ka dambaysay markii la burburiyey ee ay meesha ka baxday xukuumadii Daalibaan.

 

Guurtdidu waxay shirkoodaa Madaxweyne ku meel-gaadh ah ugu doorteen Xamiid Karasaay, waxayna dawladda Xamiid Karasaay xilka u igmadeen muddo laba sannadood ah oo la faray inay dalka doorashooyin gaadhsiiso, wayna kala tageen markii ay shirkoodii dhamaysteen, laakiin boqol ka mid ah ayey u igmadeen inay rigli ku ahaadaan magaalada Kaabul si ay u ilaaliyaan xukuumadda Xamiid Karasaay, taas oo la doonayo inay farta ku fiiqaan haddii ay Xukuumaddu qalad la timaado ama ay ka weecato waxyaalihii lagu heshiiyey, dhinaca kalena waxa laga rabaa guurtidaa inay farta ku fiiqaan ama hor-joogsadaan cidii dhinaca dadweynaha ah xukuumadda si qalad ah uga hor timaadda .   

 

Hase yeeshee guurtidaasi ma aha gole fulineed iyi gole Siyaasadeed midna, laakiin waa Man-bac loo noqdo marka ay arintu dhaharato ee ay talada Siyaasaddu faraha ka baxdo, waxaana la isugu yeedhaa marka la waayo cid kale oo ka wakiil ah dhamaan dadka ama beelaha ku dhaqan dhul-weynaha Af-ganistan, taasina waxay timaaddaa marka ay talada qabsato koox ama jabhad yar oo ka soo jeeda degaamo kooban, ka dibna ay meelna u dhaafi waydo degaamadii ay ka soo jeeday oo keliya, laakiin arinta xusidda mudani waxa weeye Looya Jirgaha ama duub-cadda dhaqanka Af-ganistan waa niman aan marna ku milmin waalifka iyo dabayl xagaada Siyaasadda, taasina waxay u saamaxday inay had iyo goor noqdaan kuwo jira .

 

Hadaba marka la eego jiritaanka min-baca dhaqan ee loo markasta oo ay talada Siyaasaddu dhabaqdo ama faraha ka baxdo loo noqonayo waxaad moodaa inay is-shabahaan Somaliland iyo Af-ganistan.

Sannadkii 1989-kii waxa uu ururkii SNM ee dagaalka hubaysan kula jirey taliskii Siyaad Barre Tuulada Caydaroosh ee dhinaca Itoobiya ka abuuray gole Guurti oo ka kooban Odayaal duub-cadda dhaqanka ah, waxaana ka mid ahaa ujeedooyinka ugu muhimsanaa ee loo abuuray inay noqdaan man-bac loo noqdo marka ay khilaafaad Siyaasadeed oo gar-qaad u baahani meesha yimaadaana iyo inay noqdaan gole dhaqan oo abaabulan oo wax ka qabta ama xalila dhibaatooyinka dadka ama beelaha dhexdooda ah, iyadoo ay weliba intaa dheerayd in looga faa’iidaysto abaaulkii dagaal ee uu ururka SNM hormoodka ka ahaa. 

 

Hase yeeshee shirweyne uu ururka SNM horaantii 1990-kii ku yeeshay magaalada Bali-gubadle ayaa waxa badka yimi Ajande ku saabsan Golaha Guurtida, taas oo la is-barbar dhigay laba ra’yi oo uu mid ahaa waa in Golaha guurtida laga dhigaa gole dastuuri ah oo ka mid ah qaab-dhismeedka ururka, halka uu ra’yiga kalena odhanayey waa in sidooda loo daayaa oo ay Siyaasadda debedda ka joogaan si aanay ugu dhex-milmin afkaarihii iyo aragtiyihii Siyaasadeed ee ay kala qabeen hogaamiyayaashii ururku, sidaa daraadeed haddii uu khilaaf meesha yimaado ay hadhow noqdaan, kuwo wax dhex-dhexaadin kara oo ka bed qaba faraqyada Siyaasadda, laakiin waxa naajaxay ra’yigii ahaa waa inay noqdaan gole dastuuriya, sidaa ayeyna ku noqdeen gole dastuuriya .  Hase yeeshee guurtidaasi Inkasta oo ay noqdeen gole leh muuqaal Siyaasadeed maadaama uu xeer tusmeeyey, haddana kalsoonidoodii dhaqan way sii jirtay, waxayna masalaha u qaateen guulona ka soo hooyeen shirar badan oo nabadeed sida: shirkii ay beelaha Somaliland ku yeesheen magaalada Burco sannadkii 1991-kii, shirkii Sheekh ee tawfiiq 1992-kii, shirkii Boorame ee 1993-kii iyo shirar doceedyo kale oo badan, waxaase mar kale awood siyaasadeed oo weyn lagu siiyey shirkii Boorame, taas oo Axdi-qarameedkii halkaa lagu sameeyey uu qaaxay inat yihiin mid ka mid ah golayaasha sar-sare ee siyaasiyan wadanka u taliya, taasina waxay keentay inay noqdaan niman si weyn uga muuqda aagagga hore ee dagaalka Siyaasadda, waxaana maalin-ba maalinta ka dambaysa ku sii badatay dhiriqda iyo godobta Siyaasadda, iyadoo ay taasina marba marka ka dambaysa sii luminaysay kalsoonidoodii odaynimo iyo aaminaadii faraha badnayd ee lagu qabey xiliyada qaarkood, waxayna taasi keentay inay wax badan ka tari kari waayaan dagaaladii sokeeye ee sannadihii 95-kii ilaa 96-kii dalka ka dhacay, laakiin arintu way sii socotey, waxaana la soo gaadhay shirweynihii Hargaysa ee socdey intii u dhexaysay dabayaaqadii 1996 ilaa horaantii 1997-kii, waqtigaas oo uu distoorkii shirkaa lagu sameeyey u cayimay inay yihiin Golaha ugu sareeyay dalka, isla markaasna waxa uu shirkaasi dhamaaday ,iyadoo ay odayaasha Guurtidu faraqyada ku sitaan godobo badan oo Siyaasadeed, wixii mudadaa ka dambeeyeyna halkoodii ayey ka sii miiseen ilaa ay aakhirkii noqdeen afka ugu qaniinyada kulul dhinaca Siyaasadda .

 

Run ahaantii ma aha macnuhu inaynu dafirayno kaalintii mudnayd ee ay odayaasha guurtidu waayaha Somaliland ka soo qaateen  dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey, laakiin dhinaca kalena waxaynu odhan karnaa ujeedadii dhexnimo ee loo abuuray meesha way ka baxday, waxayna dabeecadda Siyaasaddu mudooyinkan dambe  ka dhigtay inay noqdaan gaashaan ay Xukuumaddu isaga dhigto tuuryooyinka Siyaasadda ee kaga yimaadda dadka siyaasadeheeda dhaliila, ilaa ay arintu soo gaadhay inay ku biiraan xisbigii xukuumadda oo ay  cidna, taasina waxay hadda lumisay kalsooni badan oo loo hayn jirey waqtiyo badan, iyadoo ay taariikhdu qirayso inaynu marar badan qalalaase Siyaasadeed kaga hor tagnay ama mid dhacayba ku soo dabaalay  kalsoonidii dhex-dhexaadineed ee odayaasha dhaqanka, laakiin waxay hadda dad badani aaminsan yihiin ama ku doodayaan golihii odayaasha ee guurtidu haybadii dhaqankana waa lumiyey, umana muuqdo gole siyaasadeed oo culus sida Senet-ka Maraykanka, sidaa darteed waxay dadka aragtidaa qabaa leeyihiin waa in dib loo eego doorka Golaha Guurtida.

 

Hase yeeshee marka taa laga yimaado waxa hadda saaxadda Siyaasadda ka dhex muuqda hogaamiyayaasha sare ee dhaqanka, Suldaan, Boqor, Garaad iyo Ugaas magaca uu doono ha sitee, taas oo ay dad badani hadda u arkaan inay doonayaan inay talada Siyaasadda si weyn jeeniga ula soo galaan, iyadoo afkoodana marar dhawr ah laga maqlay weedho ay ka mid yihiin “waa in la qeexo doorka ay salaadiintu ku leeyihiin talada dalka”, taas oo dad badan ugu muuqatay inay ka badheedhsan yihiin ku soo biiridda talada Siyaasadda.

 

Maal-mihii ina dhaafay ilaa hadda waxa saxaafadda iyo doodaha dadkaba si weyn uga dhex-muuqdey hadal-haynta gole la magac baxay Golaha salaadinta Somaliland, kuwaas oo ay sheekadoodii ugu dambaysay ee saxaafaddu baahisay ahaa baaq talooyin ah oo ay u jeediyeen Madaxweyne Rayaale iyo baaq kale oo ay ku cadaynayaan inay midoobeen salaadintii hore Siyaasadda ugu qaybsanaa, isla markaana ay samaysteen gole salaadiin oo ay u dhan yihiin, laakiin dad badan ayaa siyaalo kala duwan uga diday Golaha salaadinta ee lagu dhawaaqay, balse didmadu ma aha in la leeyahay waa gole maanta lagu kharbudayo Somaliland, waxayse dad qaarkood kaga diideen , iyaga oo ka baqe qaba inay talada ku qor-diyaan ama kuba qabsadaan, halka dadka qaarkood-na ka wer-wer qabaan doorka ay qaadanayaa iyo sida ay wax u dabakhi doonaan haddii ay kaalinta Siyaasadda yimaadaana, taas oo ay dadka aragtidan qabaa leeyihiin waxaanu ka baqe qabnaa inay Salaadiintuna sidii Guurtida ku dhex filiq-tamaan xasaradda Siyaasadda, ka dibna ay halkaa ku lunto kalsoonidoodii dhaqan, dabadeedna  haba yaraatee la waayo man-bac loo noqdo haddii ay dabayl-xagaada Siyaasaddu ina walaaqdo. Sidaa darteed midi ma xuma oo way wanaagsan tahay haddii uu samaysmo gole madax-dhaqameed, laakiin arinta dooddu ka taagan tahay waxa weeye haddii ay Siyaasadda shidhka u galaan, maxay xaaladoodu noqonaysaa.

 

Hadii ay taasi dhacdo waxay dad badani aaminsan yihiin inay marka hore lumayso karaamadoodu, mar labaadkana haddii ay ku soo biiraan faro ka ciyaarka Siyaasadda ay taasi geyeysiin doonto niman si fiican uga dhex-muuqda qal-qaalinimada iyo xasaradaha Siyaasadda.

 

Hase yeeshee waxay arintu ku qurux badan tahay inuu Golaha salaadiintu noqdo gole dhaqameed aan dubuq ku odhan walaaqa Siyaasadda, balse uu doorkoodu golenimo inay ku sugnaadaan madasha dhaqanka, ka dibna ay noqdaan gole mac-duun ah oo loo baahdo marka ay talo faraha ka baxdo sida Looya Jirgaha Af-ganistan.

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Madaxweyne Wax Ka Qabo Hanti-Dhawrka Iyo Dayaca Gaadiidka Dawladda

 

Hayadda hanti-dhawrka guud waa hayad distoori ah, waana hayadda ugu muhimsan hayadaha dalka,laakiin nasiib daro hayaddani wixii loo abuuray ee uu waajibkeedu ahaa kama ay soo bixin, sababtana waxaan u tirinayaa maamulka dalka ka jira.

 

Sidaa dated madaxweyne waxa aniga ila haboon in la qabto waxyaalahan:

Madaxweyne waa inaad soo celisaa sharaftii, karaamadii ioy awoodii uu xafiiskani lahaan jirey waqtiyada qaarkood.

 

Waa in loo sameeyo xafiiska Hanti-dhawrka guud miisaaniyad sannadeed ku filan sida : Mushahar ku filan, kharashaadka adeegyada xafiiska, habeen dhaxa hawl-wadeenada, dhiiri-gelinta shaqaalaha IWM., taasina waxay ka maanacaysaa in qofka hanti-dhawrka ah loo lulo aduun iyo laaluush, wuxuuna ilaashan karayaa sharaftiisa,laakiin qof baahani sharaf ilaashan kari mayo.

Ta kale hadii aragto xafiiska Hanti-dhawrka guud waad ka naxaysaa dayaca ka muuqda, sidaa awgeed waxa uu u baahan yahay dayactir guud, gaadiid iyo qalabayn xafiisyada ah.

Sidoo kale madaxa Hanti-dhawrka guud waa inuu nin shaqada aqoon badan u leh, nadiif-na ka ah, wax kasta oo anshax xumo maamul ah.

 

Tayeynta maamul iyo awoodeed ee xafiiska Hanti-dhawrka guud waxa ay meesha ka saaraysaa ama bad-baadinaysaa ugu yaraan 50% dakhliga dawladda ah oo la lun-sado.

Dhinaca kale madaxweyne waxaan ku xusuusin lahaa gaadiidka dawladda oo aad u tiro badan aduun badana inoogu fadhiya waxa ka muuqda dayac badan.   Wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidkuna way ka seexatay shaqadeedii oo wax ay ka ogtahay gaadiid dawladeed haba yaraatee ma jirto.

Waxa jira gaadiid dawladeed oo u fadhiya wax yar ama bir yar, ka dibna inta geerash lagu tuuray la iskaga tegay , kuwaas oo qaarkood sidii ay u yaaleen la fadhataystay.

 

Sidaa darteed, Madaxweyne waxa aan ku talin lahaa arimahan:

1-Waa inaad isugu yeedhaa wasiirada gaadiidka iyo maaliyadda si aad uga tashataan samaynta xeradii gaadiidka dawladda, xeradaas oo xataa lahayd kaalintii shidaalka, halkaana lagu dayactiro gaadiidka dawladda, ka dibna waa inay dawladdu xeradaa dhigataa qalabka dayactirka gaadiidka (Spare parts), taasna waxay dawladdu kaga maarmi lahayd kharash badan oo kaga baxa qalabka dayactirka gaadiidka.

Waxa kale oo jirta gaadiid ay dawladdu leedahay oo aan lahayn lambarkii dawladda (GT),kuwaas oo ay xataa iska wataan dad shaqada dawladda laga fadhiisiyey, taasna waa inay wasaaradda ku shaqada lihi talaabo ka qaadaa.

Ta kale qaar ka tirsan masuuliyiinta dawladda ayaad arkaysaa iyaga oo gacantooda ku wata gaadiidkii dawladda, taasina ilama haboona, waana in baabur kasta uu darawalkiisu wado si loogala xisaabtamo.

Hadaba hadii aan la dhisin xeradii gaadiidka dawladda waxa dhici doonto inuu gaadiid oo ay dawladdu leedahay uu tasoobi doono oo goor dambe la is-waydiin doono meesha uu ku dambeeyey.    Waxa kale oo loo baahan yahay marka ay dawladdu qof shicib ah baabuur ka iibsanayso in la adkeeyo shuruudaha iibka,iyadoo laga taxaderayo qiimihiisa iyo tayadiisaba.

 

Madaxweyne waxa kale oo ila haboon inaad wasaaradda gaadiidka ku xoojiso guddi ay xubno ka yihiin Xisaabiyaha guud iyo Hanti-dhawraha guud, kuwaas oo aan odhan lahaa ha noqdeen guddi soo tira koobta tirada gaadiidka dawladda, soona suga xaaladda (Conditions-ka) gaadiidka si markasta looga wada socdo xaaladda gaadiidka dawladda.

Ismaaciil C/raxmaan Cumar-xaashi, Hargeysa

 

Maxaa Wax Looga Qaban Waayay Xayiraadda Dhoofka Xoolaha

Waxa laga joogaa muddo laba sannadood ah markii uu dalka boqortooyada Sucuudi-Arabiya xayiraadda ku soo rogay dhoofka xoolaha nool ee Somaliand iyo Somalida kale oo dhan-ba, iyadoo ay xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaale iyo nololeed ee dadk Reer-Somaliland, waxaana xayiraadaa loo sibir-saaray xanuun loogu yeedhay RIFT VALLEY FEVER oo ay sheegeen in looga shakiyey xoolaha Mandaqadda bariga Afrika, iyadoo uu waqtigaa xanuunkaasi ka dilaacay gobolka Jeesaan ee dalka Sucuudiga iyo degmooyin ka mid ah dalka Yamen.

 

Xanuunkaasi, iyadoo aanu markii horeba wax jira ahayn, ayaa hadana baadhitaano badan oo la sameeyey xayiraadii ka dib waxa lagu xaqiijiyey inay xooleheenu ka bed-qabaan xanuunkii looga shaki qabey, laakiin taasi meesha kama saarin xayiraadii dhoofka xoolaha saarayd.

Arintu sida ay doonto ha ahaatee waxaan anigu rumaysnahay inaanay Xukuumadda Somaliland xil-weyn iska saarin sidii ay Sucuudiga iyo dunida kaleba ugu xaqiijin lahayd inay xooleheenu 100% ka bed-qabaan xanuunka lagu xidhiidhiyey.

 

Tusaale ahaan waxa war-baahinta laga sheegay inay dawladdu Sucuudigu xayiraadii ka qaaday dhoofka xoolaha dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya oo markii hore isku mar iyo isku sabab loo wada xayiray xoolahooda iyo xoolaheena, sidaa darteed waxa is-waydiin leh maxaa sababay in laba dal oo isu furan isku sababna wax looga wada xayiray in mid-na xayiraadii laga qaado, mid-na lagu hayo.

 

Hadaba maxay dawladeenu uga gaabisay inay xaqiijiso inay xooleheenu ka bed-qabaan xanuunka loo aanaynayo, maxaase ka hortaagan dawladeena iyo ganacsatadeena inay maraan dariiqa ay Dawladda Itoobiya u martay xayiraad ka qaadista dhoofka xooleheeda Sidaa darteed waxa loo baahan yahay oo lagama maar-maan ah inay dawladda iyo ganacsatadu jawaab ka bixiyaan halka ay arintu ka cakiran tahay, waana inay dawladda iyo ganacsatadu si deg-deg ah isugu yimaadaan oo ay ka wada hadlaan, isla cadeeyaan halka ay wax ka qal-dan yihiin , ka dibna lagu dhaqaaqo wax deg-deg ah oo arintaa ku saabsan.

Yuusuf Cabdi Xandule (Haliil)

      

 

 

 

WAADIGA CIYAARAHA

Senegal Oo Isu Diyaarinaysa Kulanka Turkiga

 

Osaka (Reuters) – Libaaxyada reer Senegal ayaa ku gudo-jira diyaar-garaw ballaadhan oo ay ugu jiraan ciyaarta koobka adduunka ee wareega kama-dambaysta ah oo ay la yeelanayaan xulka waddanka Turkiga oo ay isugu soo baxeen wareega siddeeda kooxood.

Tabobaraha timaha dheer ee gacanta ku haya xulka Senegal ayaa isagu sheegay inaanay isku kululaynayn kulanka Turkiga, balse uu tijaabinayo ciyaartoy dhawr ah oo ka soo kabtay dhaawacyo ay ciyaaraha uga fadhiyeen, iyo sidii kooxdu ula qabsan lahayd cimilada magaalada waqooyiga ku taal ee Oita, oo ay ku yeelan doonto kulanka soo socda.

 

Tabobare Metsu, wuxuu intaa ku daray in aanay kooxdiisu wax tijaabooyin ah samayn doonin kahor kulanka.

Kooxda reer Afrika ee burburisay horyaalkii adduunka ee Faransiiska kulankii furitaanka, waxay si dhib yar ugu tallaabsatay wareegii labaad, markii ay ka tallaabsatay Sweden oo ay Axaddii wada ciyaareen, inkasta oo Sweden bilowgii ciyaarta goolka kaga hormartay Senegal, haddana may mahadin, isla markiiba waxaa ka soo aarsaday kooxda dhallinyarada ah ee libaaxyada lagu naanayso.

Ciyaar wanaagii iyo isku xidhkii koox ahaaneed ayaa keentay inay 2-1 kaga badiyaan kulankii oo waqti dheraad ah lagu daray. Weeraryahanka Henri Camara ayaa sagootiyay kooxda reer Yurub, kadib markii uu ka dhaliyay labadii gool ee ay kaga adkaadeen.

 

Guusha ay gaadhay ka sokow, waxay kooxda Senegal qayb u heshay inay dhaliyaan goolkii ugu horreeyay ee kala reebka (golden goal) oo uu dhaliyay Henri Camara.

Tabobare Metsu, wuxuu sheegay inaanu wax dhibaato ah oo weyn ku hayn kulaylka Japan, sidaa darteedna ma jirto ayuu yidhi sababo aanu isu daalinaa.

 

“Waxaanu is kululaynaa 45 daqiiqadood kahor ciyaarta, kadibna dib-baanu ugu laabanaa qolka bedelashada, oo aanu muddo 20 daqiiqadood ah ku nasano,” Metsu wuxuu sidaa u sheegay warbaahinta Senegal.

Tabobaraha dhallinyarada ah oo sannadkan cid walba maskaxda faraha ka geliyay wuxuu danaynayaa inaanu waqti badan iskaga lumin tabobaro qallafsan oo la siiyo dhallinyarada is ciyaar baratay.

Kooxda Afrika oo ugu dambaysay ka qaybgalka koobka adduunka ee Senegal, waxay ku badhaadhay gacan ku haynta tabobaraha Faransiiska ah oo u horseeday kulankii kama dambaysta koobka Afrika ee horraantii sannadkan.

 

Senegal, waxay fooda is darayaan Turkiga oo ay Sabtida wada ciyaarayaan kulanka loogu gudbayo wareega ugu dambeeya ee afarta kooxood.

Cameroon ayaa ah waddanka keliya ee ilaa hadda gaadhay kaalinta siddeeda, taas oo ay 3-2 kaga badisay England sannadkii 1990, laakiin Metsu wuxuu sheegay in Senegal ka rajo wanaagsan tahay.

 

“Sweden ma ahayn tii ugu fiicnayd ee aanu la ciyaarnay, waxaanu soo galay halgan adag oo aanu isku muujinay. Iyadu waxay ahayd mid la saadaalinayay, had iyo goorna waxaa jira inaad ka fekerto sidaad horumar u samayn lahayd,” sidaa waxa yidhi tabobaraha Senegal, oo ka hadlay guushii ay ka gaadheen kulankii Sweden, iyada oo kooxdiisa ay ka fadhiyeen ciyaartoy halbowle u ahaa.

 

Metsu, wuxuu ku caloolsan yahay in ay u soo kacaan difaacyahanada kala ah; kabtanka Alion Cisse, Pape Malick, Diop, Ferdinand Coly iyo Omar Daf, oo dhammaantood qabay dhaawacyo aan waaweynayn, kaas oo uu sheegay in uu noqon doono kulankii ugu wacnaa ee Senegal…. Iyada oo weliba laga yaabo inay keenaan taariikh cusub oo Afrika gasho.

 

Korea Oo Dhabar-Jab Ku Riday Talyaaniga

 

 

Korea (Haatuf) :- Weeraryahanka Korea, Ahn Jung Hwan, ayaa dhaliyay gool dahabi ah oo ay dhulka ku dhigeen waddanka Talyaaniga oo saddex goor hantay koobka adduunka, halka ay iyaguna u soo gudbeen wareega siddeeda. Waxay isku qanciyeen inay iyagu soo baxayaan markii bilowgii horeba Christian Vieri u dhaliyay gool, hase yeeshee Ki Hyeon, ayaa waqti dambe ka daba keenay goolkii barbaraha, iyada oo Ahn u labeeyay Korea.

I

ndhaha taageerayaasha Daejon, ayaa markale arkay in Korea soo celiso guushii waddanka jaarkeeda ee waqooyiga Korea ka gaadhay Talyaaniga sanadkii 1966.

Waxay ahayd guul aan cidina meesha soo dhigan, markii Korea lumisay rigoore ay bilowgiiba heshay, iyada oo Vieri markiiba furay albaadka gooldhalinta, taas oo keentay in Talyaanigu ciyaaro hannaanka caanka ah ee difaaca iyo weerarka ah, balse xulka la xiisaynayay wuxuu noqday mid casarkii ka xamaan urursaday koonfurta Kuuriya.

 

Korea ayaa ciyaarta ku bilowday si aan caqli-gal ahayn, markii lagu abaal-mariyay rigoore loo dhigay markay ciyaartu shan daqiiqadood oo keliya socotay oo uu Christian Panucci dhulka dhigay Ki Hyeon. Waxa fursaddaa si deg-deg ah ugu soo baxay Jung Hwan Ahn oo fursaddaa lumiyay.

Talyaaniga oo rajadiisii noolaatay ayaa ku tallaabsaday inay ciyaarta la wareegaan Totti iyo Alessandro Del Piero, oo khatar u muuqday. Dirays buluuglay, waxay abaalkii weerareeda heshay markii Vieri madaxa ku dhaliyay kubbad uu koone ka soo rogay Francesco Totti, goolkaasina wuxuu noqday kii sagaalaad ee Vieri u dhaliyay Talyaaniga.

 

Goolkaasi ma rajo tirin Korea, balse waxay dagtay Talyaaniga oo is dhigtay. Farsamadaasi waxay kala qubatay markuu ka dhex dusay Ahn.

Talyaaniga ayaa isna fursad wacan helay labada daqiiqadod kadib, markii lamaanaha Roma ee Totti iyo Tomassi ay jaanta isula heleen, dabadeedna ay kula mudhuxsadeen gool-haye Woon Jea Lee, oo kubaddii ku dhacday.

 

Ciyaartoyga kooxda Perugia ee Ahn, ayaa ku sigtay inuu laba jeer oo isku xiga barbaro u keeno marti-geliyeyaasha, intii aanu dhicin waqtigii hore.

 

Fursadda hore oo ahayd kubbad xor ah oo qiyaas 25 mitir u jirtay goolka, taas oo birta agmartay.

Korea ayaa weeraro kulul ku bilowday markii ciyaarta laysugu soo noqday, taasina waxay keentay in Korea hesho kubbado badan oo xor ah, balse kamay faa’iidaysan.

 

Talyaaniga ayaa ku sigtay inuu si buuxda u xaqiijiyo guushiisa, markii Totti ku dhawaaday inuu qaado waddadii Roberto Baggio, oo gool qurux badan ka dhaliyay Czechoslovakia sannadkii 1990. ciyaartoygu wuxuu orod ku dhaafay inta badan difaaca, hase yeeshee markii uu laaday ayay ku dhacday difaaca keliya ee u hadhsanaa.

Korea ayaa ku guulaysatay inay ka faa’iidaysato fursad ay heshay daqiiqaddii 88aad, taas oo difaaca Talyaaniga ee Christian Panucci awoodi waayay inuu ka waabiyo kubbad dhulka xaabaysa oo dalaq tidhi goolka uu hortaagnaa Buffon.

 

Ahn, oo ahaa ninkii lumiyay rigoorihii bilowgii loo dhigay ayaa goolkii guusha isku maydhay daqiiqaddii 117aad, ee waqtiga dheeraadka ah oo noqday (golden goal).

 

JAPAN 0, TURKEY 1

Turkiga oo bilowgii helay gool madax ah, oo uu dhaliyay Umit Davala, ayaa soo af-jaray rajadii Japan ka qabay u gudubka wareega saddexaad ee koobka adduunka, waxayna is mudan doonaan Senegal.

Inkasta oo ay si fiican ugu dedaaleen inay keenaan goolkii barbaraha, hase ahaatee kooxda martida loo ahaa umay suurtogelin inay dumiso difaaca isku xidhan ee Turkiga.

 

Culays weyn oo ay saaraeen darteed ayaa u sahashay Japan-ka inay si ballaadhan gacanta ugu dhigto khadka dhexe ee ciyaarta, gaar ahaan qaybtii labaad. Laakiin Turkiga oo khadkiisa difaacu aad u habaysnaa ayay aad u yarayd in laga dhex duso. Labada kooxoodba waxay soo bandhigeen ciyaartoodii ugu fiicnayd ee wareega qoor-qabadka (neck out) ee koobka adduunka.

Turkiga ayaa dhirbaaxadii ugu horraysay ku dhuftay Japan bilowgii ciyaarta, kadib markii Basturk Yildiray kubad la eegtay goolka Japan.

 

Turkiga ayaa fursaddii ugu fiicnayd helay markii uu ciyaaryahanka Ergun Pende, kubbad koone ah oo uu soo laaday ay noqotay gool, kadib markii Umit Davala ka faa’iidaystay khalad ka yimi dhinaca difaaca.

Goolkaasi wuxuu keenay in Turkigu ciyaarta ku horjoogo muddo 78 daqiiqadood ah.

Japan-ka ayaa nafta dul dhigay siday isaga soo gudi lahaayeen goolka lagu leeyahay, balse way ku hungoobeen siday guusha ula soo noqon lahaayeen. Ciyaartoyga Japan-ku inkasta oo ay dedaaleen, haddana tamartoodu kamay badan markeliya oo ay birta garaaceen .

 

Turkiga ayaa isna qaybtii dambe helay kubbad la fishay inay ku xoojiyaan guushooda, balse Hiditoshi Nakata oo markiiba weerar ka daba qaaday ayaa markale halisgeliyay Turkiga.

Ciyaarta oo weerar iyo weerar-celis u badnayd ayaa mararka qaarkood keenaysay in daqiiqad walba gool la weeraro.

 

Tusaale ahaan daqiiqadii 60aad Turkiga ayaa sigtay Japan, sidoo kale daqiiqadihii 61aad iyo 63aad Japan ayaa khataro gelisay Turkiga.

Si kastaba ha ahaatee ciyaartii waxay ku dhammaatay 1-0 Turkigu ku adkaaday.

 

Kooxaha Kubadda Cagta Ee Boorama

 

 

Boorama (Haatuf) :-  In ka badan 19 kooxood oo kubadda cagta Boorama ah ayaa tartan cayaareed u bilaabmay Isniintii dorraad.

 

Badhasaabka gobolka Awdal, ahna Maayorka Boorama oo la hadlay ciyaartoygaas ayaa ku guubaabiyey inay ku dhaqmaan asluub wanaagsan iyo walaalnimo muddada tartanku socdo oo gaadhaysa ilaa bil iyo badh. Sida uu sheegay Jaamac Yuusuf oo ah qabanqaabiyaha tartankan, waxay kooxuhu ku loolami doonaan koobka la magac-baxay ama loogu magac-daray Nabadaynta kooxaha ciyaartoyga Boorama.

 

Waxa kooxaha loo qaybiyay saddex qaybood oo min shan kooxood ah iyo hal qayb oo afar kooxood ah. Tartankani waxa uu ka dambeeyay hawl uu horkacay Badhasaabka gobolku, oo lagu banaynayay ama lagu nadiifinayay garoonka K. Cagta ee Boorama.