Haatuf, Cadadki 102, June 25, 2002

Somaliland Iyo Djabuuti: Saymihii

Hore, Suluxa Maanta Iyo Saadaasha Deddan

 

Hargeysa (Haatuf): Dawladaha Somaliland iyo Djabuuti, ayaa si wada-jir ah ugu dhawaaqay in ay ka Heshiiyeen, wixii khilaafaad ahaa ee hore ugu dhexeeyay, isla markaana soo saaray Heshiis qoraal ah oo lix qodob ka kooban, kaas oo ay wada-jir u saxeexeen Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Siciid Gees iyo Djabuuti Cali Cabdi Faarax.

Heshiiskan cusub, waxaa la gaadhay kadib markii ay Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hogaaminayaa socdaal ku tageen dalka Djabuuti, kaas oo qaatay muddo saddex maalmood ah, waxaana wabaahinta iyo saxaafadda loo bandhigay maalintii Axadda oo Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu ay ku soo laabteen magaalada Hargeysa.

Haddaba, qodobada Heshiiskan cusub, aragtiyaha ku soo arooray iyo guud ahaanba waayaha Siyaasadeed ee Somaliland iyo Djabuuti, waxaanu idiinka diyaarinay Faaqidaadan kooban oo milicsanaysa arrimahaas oo dhan.

Inkasta oo Jawiga Siyaasadeed ee mandaqaddu isbedelayay, haddana tan iyo markii magaalada Burco lagaga dhawaaqay sannadkii 1991-kii la soo noqoshada Madaxbannaanida Somaliland ilaa wakhtigan xaadirka ah, xidhiidhka labada dal, wuxuu ku jiray xaalad Jir-jiroole ah oo isbed-bedelaysa. Taasina waxay sababtay in marna laysku kaco oo qaylo yeedho, marna laysla yara-dego. Hase yeeshee, intii aanu talada dalka Djabuuti la wareegin Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee uu joogay Madaxweynihii hore Xasan Guuleed Abtidoon, waxaa lagu tilmaamaa in xidhiidhku ahaa mid aan qayladiisu yeedhin oo ku socday hannaan qabow, labada ummadoodna ay isugu socon jireen si caadi ah. Laakiin markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha talada hayaa (Madaxweyne Geelle), ayaa xaalku xoog u dhabqay oo jawiga Siyaasadeed ee labada dhinac marba gees dhigay. Isla markaana waxay xaaladdu mugdi sii gashay laga soo bilaabo sannadkii 2000, wakhtigaas oo uu Madaxweyne Geelle ku qabtay tuulada Carta ee dalka Djabuuti, shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee lagu soo dhisay Maamulka ku meel-gaadhka ah ee C/qaasim horjoogaha ka yahay.

Intii uu hindisihii qabashada shirkaas u ololaynayay Madaxweyne Geelle, dawladda Somaliland waxay ku dhawaaqday in ay ku taageerayso qabashada shirkaas, si loo heshiisiiyo kooxaha ilaa hadda ku hirdamaya dalka Soomaalida Koonfureed. Xilligaas waxaa socdaal ku tegay dalka Djabuuti, Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo wefti uu hogaaminayay, markay ku soo laabteen magaalada Hargeysa-na, wuxuu Cigaal u sheegay Saxaafadda in ay ku heshiiyeen labadooda Madaxweyne ee labada dal:

-          In Shirka Dib-u-heshiisiinta laga dhigo laba weji, isla markaana wejiga hore lagu heshiisiiyo kooxaha Soomaalida Koonfureed, waxna loogu dhiso, si loo joojiyo collaadda hadhiwaaga noqotay.

-          Iyo in markaa kadib ay wada-hadal isku soo horfadhiistaan dawladda Somaliland iyo Maamulka loo dhiso Soomaalida Koonfureed, si ay labada dhinac uga wada-xaajoodaan wixii dhexyaalla.

Inkasta oo Jiritaanka heshiiskaas uu ku dhawaaqay Madaxweynihii hore ee Somaliland, haddana Madaxweyne Geelle ma beenaynin, sidaa aawadeed waxay dhinacyo badan oo kale xaqiijiyeen inuu ahaa mid jira, hase ahaatee ma noqonin mid sidiisii u fulla. Taasina waxay sababtay, Madaxweynihii Somaliland ee Geeriyooday inuu muujiyo in Madaxweyne Geelle uu ka baxay wixii ay ku heshiiyeen, isla markaana uu kula kacay fal khiyaamo ah. Sidoo kale, waxaa isna jiray heshiis kaa ka horeeyay oo ka unkamay Safar kedis ahaa oo uu Madaxweynihii geeriyooday ku tegay Djabuuti, kadib markii uu martiqaaday Madaxweyne Geelle sannadkii 1999-kii, xilligaas waxa Xukuumadda Geelle cidhiidhi ku hayay Mucaarid hubaysan oo ka soo jeeday qoomiyadda Canfarta ee degta Djabuuti, kuwaas oo xidhiidh la soo sameeyay Maamulka Somaliland, una jeellanaa in saldhig laga siiyo dhulka Somaliland, isla markaana waxaa Hargeysa soo gaadhay waagaas, xubno ka tirsanaa Mucaaridka, kuwaas oo muddo sugayay qaabilaad, balse iska laabtay markii dambe. Sidaa aawadeed, siday tibaaxeen wararkii wakhtigaa soo baxay Madaxweyne Geelle, wuxuu ka codsaday Madaxweynihii hore ee Somaliland in ay horjoogsadaan Mucaaridkiisa oo aanay Saldhig siinin, isla markaana siday caddeeyeen illo diblomaasiyadeed, waxa uu codsigaa ku ladhay ballan-qaad nuxurkiisu ahaa in Madaxweynaha Somaliland uu ka qayb-gelayo Shir-madaxeedka dalalka ururka IGAD oo ku qabsoomay Djabuuti.

Sida muuqata, Madaxweynihii hore ee Somaliland wuu dabaqay codsigaa, laakiin Madaxweyne Geelle ma fullinin ballanqaadkaas, waxaanay taasi soo baxday markii uu Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland u qalab-qaatay ka qayb-galka kulan Madaxeedkii uu ku tallo-galku ahaa inuu fadhiisto. “Gobolka waxaa qabsaday Niman yaryar oo dhallinyaro ah oo aan waxba ka garanayn Siyaasadda.” Sidaa waxaa yidhi, Madaxweynihii Geeriyooday markii uu ku soo hungoobay Shirkii loo ballanqaaday inuu ka qayb-gelayo, waxaanu intaa raaciyay oo uu muujiyay in Madaxweyne Geelle kula dhaqmay, fal khiyaamo ah. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle-na, wuxuu dhiniciisa dhawr goor ku celceliyay in Somaliland ay ka doonayso Ictiraaf khasab ah Djabuuti.

Aakhirkii waxay arrinta labada dal gaadhay, heer xuduudaha la kala xidho, tallaabooyin kale iyo dagaal afka ahna laysu adeegsado. Balse, waxaa haddana xigay heshiis lagu furay xuduudda, dabayaaqadii sannadkii tegay, kadib markii ay Xukuumadda Somaliland dab-qabadsiisay shixnad Sigaar ah oo uu lahaa ganacsadaha reer Djabuuti ee C/raxmaan Boorre. Heshiiskaasina, isaga oo aan si rasmi ah u dhaqan-gelin ayuu Maamulka Djabuuti kastamkii Xadka ka bedelay goobtii hore ee Lawyo-caddo, taasina waxay dhalisay in mar kale is-maandhaafka Siyaasadeed halkiisii ku noqdo, xuduudduna xidhanto.

Haddaba, marka laga gudbo Sooyaalkaa hore, mar kale ayay labada dawladood ku dhawaaqeen in ay si buuxda u heshiiyeen, kadib markii uu Madaxweyne Rayaale safarkiisii ugu horeeyay intuu uu talada hayay uu ku tegay Djabuuti. Madaxweyne Rayaale, wuxuu sheegay markii uu ku soo laabtay Hargeysa Axaddii, in Djabuuti uu la soo gaadhay Heshiis cad oo dan u ah labada ummadood, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Djabuuti Cali Cabdi Faarax, ayaa isna sidaas oo kale shaaca uga qaaday heshiiskan cusub oo ka kooban lix qodob. Guud ahaan dadka reer Somaliland, way soo dhaweeyeen heshiiska, waxana dad badan dhegahooda soo jiitay hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Djabuuti ee ay baahisay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du Axaddii.

“Haddaanu nahay dawladda Djabuuti, waanu ku faraxsanahay wakhtiga cusub ee aanu labadayada ummadood u furay mar kale ayaanu si rasmi ah u soo ceshanay wada-jirkayagii, anaga iyo Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Djabuuti, Cali Cabdi Faarax. Weedhahaa iyo qaar kale oo ku lamaanaaba, waxay bixiyeen tafsiir ah in Djabuuti muraad weyni ugu jiro heshiiskan, sababtoo ah waxay dadka qaar ku doodayaan in wada-dhalashada iyo derisnimadu aanay ahayn wax hadda bilowday. Qaar badan oo kalena, waxay weedhahaas ku tafsiireen oo ay u macnaysteen, in dawladda Djabuuti u soo noqotay derisnimadii iyo walaalnimaddii ay hore indhaha uga lalinaysay iyo aragtiyo kale oo aan ka durugsanayn.

Intaas ka sokow, marka la eego ra’yul-caamka dadka ee la xidhiidha qodobada heshiiska, waxaa muuqata in guud ahaan la soo dhaweeyay, hase yeeshee doodaha qaarkood waxay calaamatul-su’aal dusha ka saareen labada qodob ee ugu horeeya heshiiskaas, kuwaas oo dhigaya; in xuduudda Lawya-caddo, si ku-meel-gaadh ah sideedii hore loogu soo celiyo, isla markaana dib looga wada-hadlo mustaqbalka dhow, sidii meel laysula dhigi lahaa iyo qodobka labaad ee soo celinta Qaxooti reer Somaliland ah oo la sheegay in ay ku sugan yihiin Djabuuti.

Dhinaca kale, iyadoo uu weli sii qoyan yahay khadkii saxeexa heshiisku, ayaa haddana waxaa soo if-baxaysa in heshiisku dhaliyay dareemo kale; “Waanu sii wadaynaa taageeridii dawladda ku-meel-gaadhka ah iyo doonistii guud ahaanba midnimadda Soomaaliya, taasna cidnaba gor-gortan kula geli mayno.” Sidaa waxa yidhi, siduu sheegay Xafiiska wararka Qaramada Midoobay ee IRIN, Sarkaal ka tirsan Maamulka Djabuuti oo Isniintii shalay u waramayay xafiiskaas. Siday werisay IRIN, Sarkaalkaasi wuxuu intaa ku daray oo uu sheegay in ummadda labada dhinac xuduudda ka joogtaa isku mid tahay, heshiiskan cusub ee laga gaadhay khilaafkii horena uu u yahay faa’iido.

Sidoo kale, isla shalay waxa laga baahiyay idaacadda BBC-da waraysi uu bixiyay Jaamac Cali Jaamac oo ku sugan magaalada Djabuuti, kaas oo uu ku sheegay in Maamulkiisii weli ka jiro deegaamada Sool iyo Sanaag Bari ee Somaliland. Jaamac Cali Jaamac oo magan u ah Xukuumadda Djabuuti, kadib markii C/laahi Yuusuf ka qabsaday Boosaaso, waxay wareysigiisaa illo diblomaasiyadeed ku tilmaameen inuu meel ka-dhac ku yahay heshiiskan weli curdinka ah oo dhaqan-galkiisu uu bilaabmay maalintii shalay.

Dhinaca kale, siday tibaaxeen warar laga soo xigtay illo diblomaasiyadeed, Madaxweyne Geelle wuxuu aaminsan yahay Somaliland oo qaran la aqoonsan yahay noqotaa in ay halis ku tahay Djabuuti istaraatiji ahaan, iyo dhaqaale ahaanba. Sidaa aawadeedna uu heshiiskan cusubi yahay, mid duruufi ku keliftay. Ilahaa diblomaasiyadeed way ka gaabsadeen in ay saadaal ka bixiyaan, heshiiskan ay gaadheen labada hogaamiye ee mihnada sirdoonku midaysay, hase yeeshee waxay taasi soo bixi doontaa Berri.

Wefti Ingiriis Oo U Imanaya
Somaliland Ka Qayb-Galka Xuska 26 June
 

Hargeysa (Haatuf): Xuska maalinta 26-ka June oo ahayd, maalintii ay Somaliland Xorriyadda ka qaadatay Ingiriiska 1960-kii, kuna beegan berrito oo Khamiis ah, ayaa lagu wadaa inuu ka soo qayb-galo wefti ka socda dawladda Ingiriisku.

Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdi Idiris Ducaale, ayaa u xaqiijiyay Haatuf xalay inuu ka soo qayb-geli doono munaasibadda 26-ka June, wefti uu horkacayo Qunsulka Britain u fadhiya Addis Ababa.

Somaliland oo ahayd maxmiyad ay ka taliso Boqortooyadii Britain, waxay madaxbannaanideeda qaadatay, 26-kii June 1960-kii. Hase yeeshee, afar maalmood kadib, waxay ku biirtay Soomaaliyadii Talyaaniga oo 1st July 1960 madaxbannaani heshay, kadib Toban sannadood oo xornimo gaadhsiin ah oo Qaramada Midoobay ammaano u haysay.

Somaliland waxay madaxbannaanideedii dib uga soo ceshatay Soomaaliya May 18, 1991-kii, dhawr bilood kadib markii la ridey taliskii Milateri ee Siyaad Barre.

Somaliland beesha Caalamka kama helin aqoonsi diblomaasiyadeed, intii ay dib ula soo noqotay Madaxbannaanideeda. Dawladda Britain lafteeduna, wax garawshiinyo ah ma siin dib ula soo noqoshada Madaxbannaanida Somaliland.

Weftiga qunsulka Britain ee Addis Ababa, ayaa noqonaya weftigii labaad ee Britain ka socda ee Somaliland yimaadda, intii ka dambeysay geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, iyada oo bishan horraanteediina wefti milateri oo ka socda Wasaradda Difaaca Britain ay booqasho xaqiiqo-raadis ah ku yimaadeen dalka, waxaana la filayaa in Britain ay Siyaasadeeda ku wajahan Somaliland, waxa ka bedeshay intii ka dambeysay geeridii Madaxweynihii hore.

Xuska maalinta Qarannimada Somaliland ee 26-ka June oo sannad kasta laga xuso dalka oo dhan, ayaa sannadkan si weyn loogu diyaar-garoobayaa, Inkasta oo ilaa iyo hadda aanay Xukuumaddu magacaabin guddi qaban-qaabo oo heer Qaran ah, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Madaxtooyaddu.

Shil Gaadhi Oo Nin Ku Dhintay

 

Berbera (Haatuf): Gaadhi Mark II ah oo lambarkiisu yahay SL 7907, ayaa shalay ku qallibmay tuulada Lafa-ruug o oku taalla laamiga isku xidha Berbera iyo Hargeysa, waxaana ku dhintay hal nin.

Gaadhigaasi, waxa uu ka ambabaxay magaalada Hargeysa, waxana uu u sii jeeday Berbera, Wadihii gaadhiga ayaa isaguna si xun ugu dhaawacmay shilkaas.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Berbera, C/raxmaan X. Daahir, Marxuumka shilka ku geeriyooday oo magaciisa la odhan jiray Hurre Xasan Faarax, waxa uu isla shalay barqadii ka soo degey Madaarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isaga oo ka soo kicitimay Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo la sheegay inuu wakiil uga ahaa Shirkad Xoolaha nool u dhoofisa dalka imaaraadka Carabta oo saldhigeedu yahay Berbera.

Marxuumka iyo dadkii ku dhaawacmay shilkaasba, waxa la geeyay Cusbitaalka Berbera.

Golaha Wakiilada Oo Muran Kulul Foodda Isku Daray Mudanayaal Golaha Laga Saaray

 

Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhiigoodii shalay muran kulul foodda isku daray mawduuc ku saabsan dhawr mudane oo Golaha laga saaray, waxayna taasi ka dambaysay markii ay shir-gudoonka iyo mudanayaashu isku maan-dhaafeen cidda leh awoodda kama dambaysta ah ee mudanaha loo aqoonsado in Golaha laga saaro, taas oo ay shir-gudoonku ku doodeen in talaabooyinka noocaas ah meel-marintoodu ay ka mid tahay waajibaadka shir-gudoonka, sidaa darteed aanu distoorku gole-weynaha xaq u siinaynaa inay , iyagu go’aan ka gaadhaan mudanaha ay sug-naato in Golaha laga saaro  .  Hase yeeshee kooxo mudanayaal ah ayaan taa ku qanacsanayn, ka dib-na madasha ka soo jeediyey dood ku lid ah ta shir-gudoonka, waxaana madasha dhex-deeda si toos ah iyo si dad-banba la isugu dhaafsaday weedho dhiif leh.

Sheekadan ku saabsan mudanayaasha Golaha laga saaray waxay badka timi, ka dib markii ay koox mudanayaal ahi shir-gudoonka u soo qadimeen moosin ku saabsan in goluhu dood ka yeesho arinta mudanayaasha Golaha laga saaray, ka dibna go’aan kama dambays ah laga gaadho.   Hase yeeshee shir-gudoonka ayaa fadhigii madasha ee shalay si kulul ugu dooday inaanay mudanayaashu taa xaq u lahayn, ka dibna markii uu shirgudoonku doodad noocaas ah soo qadimay waxa madasha ka abuurmay waxoogaa xaraarad ah, iyadoo madasha laga magacaabay mid ka mid ah saddexda mudane ee dhowaan Golaha laga saaray.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ayaa ugu horayn sheekada mudanayaasha Golaha laga saaray furay, wuxuuna yidhi “ waxa jira moosin ay mudanayaal soo dhigeen oo ku saabsan mudanayaal Golaha laga saaray”, intaa markii uu Qaybe yidhi ayuu Gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee wakiilada mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde hadalka la wareegay, ka dibna ka hadlay arinta mudanayaasha Golaha laga saaray iyo moosinka ay nimanka mudanayaasha ah ee Golaha ka tirsani ka soo jeediyeen amuurtaa, wuxuuna C/qaadir hadalkiisa ku bilaabay “ Waxa jirtay markii uu kooramku qabsoomi waayey inay canaantu Golaha ka yimi oo shirgudoonka la canaantay oo lagu yidhi idinka ayaan maqnaanshaha mudanayaasha waxba ka qabanayn, dabadeed-na anagu waxaanu samaynay dabagal, taas oo idaacadana la geeyey, joornaaladana maalin-waba waxa lagu soo qori jirey liiska mudanayaasha maqan, dabadeedna inta uu goluhu halkan (madasha) hoosta isaga xidhay ayuu arintaa ka wada hadlay, waxaanu soo jeedinay raggaa maqan in lacag laga gooyo, laakiin dhawr iyo toban mudane ayaa halkan ka kacay oo yidhi taasi waa gef, mudanayaasha ayeyna meel ka dhac ku tahay ee inta ninka marna imanaya, marna maqan lala xisaabtamayo ee waa in xisaabta halaga bilaabo ragga iska maqan ee aan meeshaba iman, dabadeed waxaanu nidhi waar hadhowto yaan laga daba hadlin, intaa ka dibna saddexdii nin ee ugu habsanka bad-naa ee weliba ka soo jawaabi waayey fariimihii aanu u dirnay, taas oo aanu ragga qaarkood ehelkood u diray oo aanu xil-dhibaanada u dirnay oo aanu madax-dhaqameedyadoodii u dirnay ee taa tix-gelin waayey ee ka soo jawaabi waayey ee aanu anagu telefoon u dirnay ee aanu Burco kala hadal-nay ee aanu Berbera kala hadalnaay ee aanu Boorame kala hadalnay ee aanu ka soo gaadhsiinay waar hadii aydaan iman karayn warqad caafimaad oo fasax ah soo qaata ayaa markaa, iyadoo uu rag badani habsaamay waxay noqotay in saddexdii nin ee ugu habsanka bad-naa lagu qaado xeerkii , waxaanu markaa ka soo saaray Rajiistarkii waa la cadeeyey habsankoodii, markaana goluhu fasax buu ahaa, laakiin gudida joogtada ah oo markaa fadhiday ayaa tidhi halagu qaado xeerka”.

Inaga distoorka ayaa inoo ah sal-dhig, dastuurkana qoddobkiisa 50aad waxa uu tilmaamayaa sababaha lagu waayi kjaro xubin-nimada Golaha wakiilada, sababahana waxa ka mid ah taa iminka timi oo kale (habsanka), faqradda 5aad ee qoddobka 50aad oo ka hadlaysa maqnaanshaha ma cadaynayso in Golaha la soo hor-dhigo, waxaynu leedahay hadii uu mudanuhu labaatan fadhi ka maqnaado Golaha iddan la’aan wuu waayayaa xubin-nimada, ma laha xeer baa cadaynaya, ma laha xeer hoosaadkaa la eegayaa, ma laha Golaha ayaa ogolaanaya, xeer hoosaadkuna waxa uu ina farayaa in wixii xeer hoosaadka ku jira ee dastuurka ka soo horjeeda uu waxba kama jiraan yahay, markaa qoddob distoori ah oo aan isagoo odhan cod ha la ii qaado oo aan xeer kale iyo gole kale toona igman meesha ma taal inuu golahani awoodda isa siiyo oo uu yidhaahdo qoddob distoori ah ayaanu u codaynaynaa”.

 

Mudanayaasha moosinka soo jeediyey waxay cuskadeen qoddob ka mid ah xeer hoosaadka Golaha wakiilada oo sheegaya in mudanahaa caynkaas oo kale ah Golaha la soo hordhigo, sidaa darteed mudane C/qaadir Jirde oo qoddobkaa jawaab ka bixinayaa ugu horayn wuu qiray inuu qoddobkaasi jiro, laakiin haddana wuu daadefeeyey, wuxuuna yidhi “wuu jiraa qoddob xeer hoosaadka ku jira oo sheegaya in mudanaha Golaha la soo hordhigo, laakiin qoddobkaasi dastuurka ayuu ka hor imanayaa, markaa anagu waxaanu u aragnaa in qoddobkaa xeer hoosaadka ku jira ee ay mudanayaashu ku saleeyeen moosinkooda inuu yahay waxba kama jiraab oo uu distoorka ka soo horjeeda”.

Intaa markii uu mudane C/qaadir ku tiraabay sawaxan iyo faro-taag ayaa madasha ka bilaabmay, taas oo ay mudanayaal door ahi gacanta kor u taageen, una kaan-kaansadeen inay dood ka celiyaan hadalka shirgudoonka, laakiin gudoomiyaha wakiilada mudane Qaybe ayaa C/qaadir ka dib, hadalka qaatay, wuxuuna yidhi “ Ninka la yidhaahdo Cabdi-Far-jar way cadahay inuu Golaha ka maqnaa 20 fadhi oo isku xiga, waayo Rajiistar baa meesha yaal shirgudoonka ayaana masuuliyaddaa iska leh, aniguna markii uu buuqu yimi waan ka daba tegey oo waan cadeeyey, hadii la leeyahay Cabdi-Farjar C/qaadir baa ka soo horjeeda , dee anigu kama soo hor-jeedo, weliba anigu mar hore ayaan Golaha ku soo celiyey aniga oo dastuurka khilaafaya, beeshiisana ma jirto cid nooga timi, dee mudane aanay beeshiisu rabina ma aha inaynu cidna ku khasab-no, mana aha inaanu shirgudoon ahaan eex galno, iyadoo ay mudanayaal maalin walba soo xaadiraan xaq ma aha inay mudanayaalna iska maqnaadaan, qaar baa maashaariic iska qaatay oo tuulooyin iska aaday, halkana shaqadii dalka ugu muhimsanayd ayaa ka socota , waayo waa gole sharci dejineed”

Mudane Qaybe waxa kale oo uu yidhi “ cadaaladda waa laga qaylinayaa, marka nin ay cadaaladdu soo dal-batana waxaynu odhanaynaa waa inaynu difaacanaa, markaa sow la odhan maayo Golaha wakiilada ayaa cadaaladdii dabraya, waxaana la inaga rabaa cadaalad, waana inaynu ogaano masuuliyadda ina saaran oo nin aynu arkayno inuu isagu dembiga leeyahay ma aha inaynu u hiilino”.

Intaa ka dib Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa is-na shir-gudoonka ka daba qaatay, isaga oo jeediyey hadal uu daafacayo moosinka la isku maan-dhaafay, waxaana weedhihiisa ka mid ahaa “ waxaan filayaa golahani ma diidana in ninka mudanaha ah ee xilkiisa gudan-waaya ama dembi gala in waajibkiisa la mariyo, laakiin waxa meesha yaal waxa weeye inay Golaha u cadaato waxa qofka golahan lagaga saari karo iyo waxa aan lagaga saari karin, golahana wax badan baynu soo joognay maanta ka horna maanu arag nin Golaha dhex fadhiya oo aanaan garanayn cidda uu bedelay , ugu yaraana muddo bil gudaheed ah saddex mudane oo cusub baa halkan soo fadhiistay.  Sidaa darteed arinta meesha taal waxa weeye mudanaha yaa eryaya, miyaanay u baahnaayn inay yeelato qaab la mariyo, Anaga waxay ila tahay maynaan indho la’ayn oo waynu miyir-qabnay markii aynu xeer hoosaadka samaynaynay ee aynu ku qoraynay mudanaha 20 fadhi maqnaada hala mariyo dariiqa ah in goluhu go’aan ka gaadho, shantii sannadood ee u dambeeyeyna qaabkaa ayuu inoogu qornaa waynuna ku dhaqmaynay, marka qoddobkaa distoorka ah fasirkii loo marayey waa qoddobkaa xeer hoosaadka ku yaal, sidoo kale garanay sababta ninka lagu eryayo, laakiin waxa is-waydiin leh qaabkee loo eryayaa, yaase eryaya, ma shirgudoonka ayuun baa eryaya, ma gudida joogtada ah ayaa eryeysa, ma golahaa u codaynaya ,taasi is-waydiin bay leedahay, is-waydiintaana waxa qeexay xeer hoosaadka.  Gudoomiye shan sannadood ayeynu xeer hoosaadka iyo distoorkuba sidaa inoo ahaayeen oo aynu ku soo dhaqmaynay, markaa waa inaynu wixii inoo qornaa sidiisa u raacno, anigu Far-jar oo keliya gaar uma difaacayo ee waxa ku jira Dacar iyo Ina Ciid, ragga kuraasidoodii ku fadhiya ee anaga oo aan ogayn iska kaaya soo dhex fadhiistayna horta debedda ha nooga baxeen”.

Mudane Qaybe ayaa mar kale isaga oo tix-raacaya hadalka mudane Maxamed Muuse Diiriye hadalka u baxay, wuxuuna yidhi “ Ragga meesha yimi mid waliba si sharci ah ayuu meesha ku soo galay, nin aanaan anagu halkan (Golaha) soo fadhiisin oo soo geli karaana ma jiro, faqradda maqnaanshaha ka hadlaysaa ee distoorku ma sheegin in Golaha la gaynayo, golahana uma furna inay HAA ama MAYA yidhaahdaan ee shir-gudoonka ayaa talaaba qaadaya idinkana waa la idiin sheegayaa, ta uu Maxamed Muuse ka hadlayo ee ah distoorka iyo xeer hoosaadka ayaa is khilaafsana guddi baanu u saaraynaa is-waafajisa distoorka iyo xeer hoosaadka Golaha ”.

 “Shantaa sannadood ma jiro mudane Golaha laga saarayo oo inta Golaha la hor keenay cod la waydiiyey, tani markaa waa marin habaabin Golaha la marin habaabinayo” sidaa waxa yidhi mudane C/qaadir oo intuu hadalka ku soo noqday si cadho ka muuqato uga jawaabay hadaladii mudane Maxamed Muuse.

Dhinaca kale Cabdi-Farjar oo ka mid ah saddexda nin ee dooddu ka dhalatay, isla markaana ah ninka ay shir-gudoonku carrabka sida gaarka ah ugu dhufteen ayey noo suuragashay inaanu is-na dhiniciisa wax ka waydiino arinta, wuxuuna ku andacooday inaanu iska maqnayn ee uu fasax la xidhiidha sabab caafimaad ku maqnaa, taana uu cadaynayo, isaga oo erigiisa ku tilmaamay mid sharci daro oo mu’aamaradaysan.

“Golaha waxaan ka qaatay fasax la xidhiidha sabab caafimaad oo aan muddo loo cayimin ee ahaa inta ay hawlahaa caafimaad iigu soo dhamayaan” ayuu yidhi Cabdi-farjar, laakiin mar aanu waydiinay inuu haysto waraaq fasax ah waxa uu ku jawaabay “ waraaqdii fasaxa ahayd aniga way iga luntay, laakiin fasaxaa waan hayaa cadayntiisii ”, wuxuuse shir-gudoonka ku eedeeyey inay si gaar ah u colaadinayaan, sida darteed ay tuureen koobigii waraaqda fasaxiisa ee Xafiiska ku hadhay, wuxuuna yidhi “ Koobigii faylka xafiiska ee waraaqdii fasaxayga waa la tuuray , taasina waxay cadaynaysaa inay arintaydu tahay arin colaadaysan”.

Cabdi-farjar waxa kale oo uu duray sharciyadda lagu eryey, wuxuuna yidhi “ Ma jirto wax sharci ah oo loo cuskaday eriga la sheegayo, waayo qoddobka xeer hoosaadka ee ka hadlaya mudanaha Golaha laga saarayo waxa uu dhigayaa waa in goluhu erigiisa saddex meelood oo meel ku ogolaado, laakiin ma aha inuu shirgudoonku awoodii sharci ee mudanayaasha eryeysay ama soo qoraysay, sidaana uu Golaha iyo sharciguba ugu af-duubnaado”.

Cabdi-farjar isaga oo duraya sababta uu shir-gudoonku u cuskaday erigiisa waxa uu yidhi “ ta la leeyahay waxa uu Golaha ka maqnaa 20 fadhi, inaanay taasi jirin ee ay ujeedda kale tahay waxa kuu cadaynaya, tusaale ahaan Golaha waxaan ka fasax qaatay horaantii Ogost 2001, waxaana la yidhi waxa lagu eryey 2-dii Feber-weri 2002, mudadaasina waa 6 bilood, labaatanka fadhi ee isku xigaana waa wax bil ka yar, ta kale maxkamadda sare ee ay shirgudoonku marba cid ka soo dhaarinayaan ma jiro xeer hoosaad goluhu leeyahay iyo go’aan gole oo la geeyey toona”.

Ugu dambayn waxa uu Cabdi-farjar hadalkiisa ku soo khatimay “Shirgudoonku waxa uu ugu talo galay inuu qoyskayga xabad ka dhex rido, laakiin noqon mayso sida ay ugu talo galeen ee dagaalku wuxuu noqonayaa aniga iyo shir-gudoonka”.

 

Shirka Bisha Cas Iyo Laanqayrta Cas

 

 

Hargeysa (Haatuf): Shir-hawleed socon doona muddo tddobaad ah, ayna ka qayb qaadanayaan wakiilo ka kala socda Xafiisyada gobolada Somaliland ee Bilaha iyo Laanqayraha cas ee Somaliland, hawl-wadeeno ka socda wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo saraakiil ka socota hayadaha samafalka caalamiga ah iyo weliba xubno ka socda Xafiisyada ay labadan urur ku leeyihiin maamul-goboleedka Puntland oo goob joog ahaan shirka uga qayb gelaya ayaa habeen hore ka furmay huteelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa.

Shir-hawleedkan waxa meel-marintiisa wada jir uga qayb qaadanaya ururada Bilaha iyo Laan-qayraha cas, wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo Baanka adduunka oo dhinaca dhaqaalaha ka caawinaya, waxaana shir-hawleedkaa mudada uu socdo lagu lafo-gurayaa mawduucyo la xidhiidha sidii ay goobahay caafimaadka bulshadu u noqon lahaayeen, kuwo mustaqbalka isku filaada oo is-wada, kana maarma caawimooyinka dusha kaga imanaya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Axmed Cabdi ayaa shirkaa furay, kana jeediyey hadal uu kaga waramayo siyaasadda wasaaradiisa ee adeegyada caafimaadka bulshada iyo sida ay wasaaradiisu uga qayb qaadanayso shir-hawleedkan,

“Waa inaynu inagu isku tashano oo aynu ka shaqayno caafimaadka bulshadeena oo aynaan xabadda ASPRINKA ah ka sugin New York, hawshana wasaarad ahaan waanu idinla qorshaynaynaa” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Waxa kale oo is-na furitaankii shirkaa ka soo qayb galay ninka Xafiiska Nayroobi u fadhiya Bilaha iyo Laanqayraha Cas ee Somalida (Somaliya iyo Somaliland) Dr: Axmed Xasan, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “ ujeedadu waxa weeye inay bulshadu ka qayb qaadato adeegyada caafimaadka dhinac kasta, waxaana hawsha idin kala qayb qaadanaya dad khubaro ah oo hawshan oo kale aqoon u leh”.

Waxa kale oo iyaguna munaasibadaa ka hadlay Cali Sheekh Jirde oo ah isu duwaha Bilaha iyo Laanqayraha Cas ee Somaliland iyo Mr: Sean Deely oo khabiir ka socda Xafiiska ay magaalada Geneva ku leedahay hayad samafal ah oo ka shaqaysa arimaha caafimaadka oo la yidhaahdo IFRC HEALTH. Sidoo waxa is-na shir-hawleedkaa ka soo qayb galay Dr: Suldan Barakat oo ah Hawl-wadeen ajnebi ah.

Al-Qaacida Iyo Maraykanka

 Oo Is-Weydaarsaday Hanjebaado

 

Kaabul (W. Wararka): Af-hayeen u hadlay is-bahaysiga Maraykanku hogaamiyo ee dagaalka kula jira kooxaha loo yaqaan Argixisada ayaa ku dooday inay xulafadoodu 98% naafeeyeen ururka Al-qaacida, sida darteed ay war aan hubaal ahayn tahay in la yidhaahdo intoodii bad-nayd way bed-qabaan, iyadoo buu yiddhi aanu intoodii bad-nayd qab-qabanay, inta hadhayna aanu ku daba jirno.

Af-hayeenka u hadlay xulafada Maraykanku waxa uu jawaab ka bixinayey waraysi uu habeen hore Telefishinka Al-jasiira siiyey Af-hayeen isna u hadlay ururka Al-qaacida oo magaciisa la yidhaahdo Saleebaan Abu- qays, wuxuuna Abu-qays waraysigaa ku sheegay inay hogaamiyayaasha Daalibaan iyo Al-qaacida weli nool yihiin oo ay ka nabad galeen weerarada ay ku hayaan is-bahaysiga uu hor kacayo Maraykanku

“Waxaan ugu bishaaraynayaa muslimiinta inay nool yihiin hogaamiyayaasha Mulla Cumar iyo Usama binu Laden, halgankiina waanu wadnaa oo fari kama qodna” ayuu yidhi Abu-qays, isaga oo intaa ku daray inay dagaalka sii wadi doonaan.

Dawladda Maraykanka ayaa dhawr goor oo hore sheegtay inay inta badan ka takhaluseen Xubnaha dagaal-yahanka Al-qaacida iyo Daalibaan, isla markaana ay inta badan laayeen hogaamiyayaashoodii.  Hase yeeshee waraysiga Af-hayeenka Al-qaacida waxa uu soo if-baxay xili ay soo baxeen warar sheegaya inay ciidamo xoog lihi hadda u baqooleen baadigoobka dagaal yahanka Al-qaacida iyo Daalibaan, hawl-galkaasna ay ka wadaan gudaha Af-gaanistaan.

Ciidamada Israa’iil Oo Mar Kale Go’doomiyyey Guriga Yaasir Carafaat

 

Qudus (W. Wararka):  ciidamada Israa’iil ayaa mar kale go’doomiyey guriga Yaasir Carafaat, ka dib markii ay ciidamada Israa’iil dib u bilaabeen weeraro milateri oo ay ku qaadayaan dhulka Falastiin, waxayna ciidamada Israa’iil gudaha u galeen magaalooyinka Dul-karam, Jenin, Khaliil iyo Ramala, meelahaas oo ay ku soo rogeen Bandoo, isla markaana waxay ciidamada Israa’iil isku xeereen guriga hogaamiyaha Falastiin oo ku yaal Ramala.

Hogaamiyaha Falastiin Yaasir Carafaat ayaa baaq u jeediyey dadka Reer-Falastiin iyo bulshada caalamkaba, wuxuuna baaqiisaa kaga digay weerarada cusub ee Israa’iil oo uu ku tilmaamay gar-daro aan geed-na loogu soo gaban, wuxuuna Carafaat intaa ku daray inay weerarada Israa’iil ku soo beegmeen xili ay ciidamada Amaanka ee Falastiin qabqabteen garabka ururka hubaysan ee Xamaas, isla markaana ay xabsi gurigiisa ah ku soo rogeen hogaamiyaha ururka Xamaas, SH. Axmed Yaasiin.

Yaasir Carafaat waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay wax ka qabtaan gardarada Israa’iil, isla markaana ciidamada Falsatiin gacan lagu siiyo sidii ay ciidamada Israa’iil uga bixi lahaayeen dhulka Falastiiniyiinta.

Dhinaca kale weerarada ciidamada Israa’iil waxay ku soo beegmeen, iyadoo dedaal weyn loogu jiro sidii loo soo noolayn lahaa waan-waantii nabadeed ee bariga dhexe, taas oo la doonayey in wada hadalo la isku soo hor-fadhiisteen labada dhinac (Israa’iil iyo Faalastiin).  Hase yeeshee Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Arial Sharone waxa uu u muuqdaa Nin aan nafsad u hayn waan-waanta nabadda, waxaana taa cadaynaya talaabada u dambaysta ee dhinaca milateriga ee uu qaaday.

War ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha Ruushka Vladamir Butin ayaa cambaarayn u soo jeediyyey talaabada ay ciidamada Israa’iil ku go’doomiyeen guriga hogaamiyaha Falastiin Yaasir Carafaat, wuxuuna warkaasi xaaladaa ku tilmaamay arin khatar ku ah xasilooni ka as-laaxda geyiga bariga dhexe, isaga oo Valadamir sheegay inuu wasiirkiisa arimaha debedda u diri doono bariga dhexe si uu madaxda Israa’iil ugala soo hadlo xaaladaa.

Ma aha markii u horaysay ee ay ciidamada Israa’iil go’doomiyaan guriga Yaasir Carafaat ee bishii hore ayey sidoo kale go’doomiyeen.

SHEEKH CABDI OOMAAR (AW-GEESH)

Cod Iyo Caalim Halgankii Ku Ladhnaa

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

 

Bishan Juun 20-dii, goor ay saacaddu ku dhaweyd 8:00 fiidnimo, aniga oo baabuurka wata oo dhegaysanayay Radio Hargeysa ayaan maqlay iyada oo la tacsiyadaynayo qoyskii iyo eheladii Sheekh Cabdi Oomaar oo loo yaqaanay Aw Geesh.

Naxariistii Janno Alla ha siiyo’e, 19-kii bishan Juun ayuu ku dhintay Hargeysa oo lagu aasay 20-kii Juun. Geeridu waa xaq oo qof-na huri maayo, waase wax dabiiciya in ay naxdini ku saaqdo marka aad maqasho qof aad garanayso oo dhintay. Show waa waxa Soomaalidu ugu maahmaahdo; “Geeridu geel-jire iyo qof aan la aqoon ayay ku fiican tahay.” Hadda geel-jiraha iyo qofka aan la aqoonba cid baa taqaan.

Markiiba waxa I hor yimid shakhsiyadiisii iyo halkii isugu kaayo horreysay. Cajaladii xusuusta ayaa dib isu duubtay oo il-bidhiqsiyo kadibba, waxa aan joogay xaruntii ururka SNM ee Almis (Balli-gubadle). Waa halkii aan markii ugu horreysay ku arkay, kuna bartay Sheekh Cabdi Oomaar oo loo yaqaanay Aw Geesh. Inkasta oo halgankii hubeysnaa ee SNM, horseedka ka ahayd dad badani siyaabo badan uga qayb-galeen, haddana Aw Geesh waxa uu ka mid ahaa dadka faro-ku-tiriska ah ee siyaabaha gaarka ah ee an cidi la wadaagin uga qayb-qaatay. Kadib markii uu tamar iyo tabo badan u adeegsaday halgankii hubeysna, Aw Geesh codkiisiina waa uu adeegsaday. Maalmahaa aanu Radio SNM joognay, hadba keyn ayaanu u wareegi jirnay. Tiraba saddex xarumood ayaanu ku lahayn.

Waxa kale oo maalmahaa xusuus gaar ah lahayd, Safiya Cali Yuusuf oo lahayd codka dheddig ee keliya ee Radio SNM ka bixi jiray. Galab walba Balli-gubadle ayay ka soo lugayn jirtay, fiidkiina intaanu cid ku darno ayaanu hoyn jirnay. Illaahay ha ka abaal-mariyo.

Bishii Oktoobar 1982-kii, ayay bah-wadaagtii halgankii hubeysnaa ee Soomaaliyeed ee SSDF iyo SNM heshiis-warfaafineed ku kala saxeexdeen magaalada Addis Ababa. Heshiiskaasi waxa uu dhigayay in ay labada urur iska kaashadaan hawlaha ballaadhan ee warfaafineed oo ay markaa bud-dhig u ahayd idaacaddu. Intii aanu heshiiskaasi dhicin idaacaddaa waxa la odhan jiray “Radio Kulmis,” balse markii ay heeshiiskaa qalinkii ku duugeen labadii hoggaan ee ururadii SSDF iyo SNM, waxa idaacaddii loogu wanqalay “Radio Halgan.”

Radio Halgan oo ay hawl-wadaag ku ahaayeen SNM iyo SSDF, waxa uu hawada ka baxay 6/4/1988-kii (Sannad-guuradii 8aad ee aasaaskii SNM), markaas oo ay Soomaaliya iyo Itoobiya kala saxeexdeen heshiis dhinacyo badan lahaa. Qaybtii ugu horreysay ee heshiiskaa laga fuliyay, waxa ay ahayd tii borobogaandada oo Radio Halgan hawada kaga baxay. Radio Halgan, waxa lagu yaqaanay oo ay dad badani ku xusuustaan Quraankii uu ka akhriyi jiray Macallin Cabdillaahi.

SNM, iyada oo qiimaynaysay kaalinta ay warfaafintu kaga jirtay halgankii hubeysnaa, waxa ay dedaal xoog leh u gashay sidii loo hawl-gelin lahaa cod laga baahiyo halganka iyo hawlaha la xidhiidha 5-tii bishii May 1989-kii oo SNM ugu suntanayd maalinta warfaafinta, ayaa markii ugu horreysay xadhigga laga jaray Radio SNM oo ka hawl-geli jiray meel aan ka fogayn xaruntii SNM ee Almis. Aw Geesh, waxa uu ka mid ahaa halgamayaashii siyaabaha doorka ah uga qayb-qaatay halgankii hubeysnaa.

Waxa uu nagu soo booqday saldhiggii Radio SNM, isaga oo naga codsaday in laga duubo Quraan, si idaacadda loogu furo. Laga bilaabo markaa ugu horreysay ee uu noo yimid ilaa intii uu halgankii hubeysnaa socday, Aw Geesh si joogto ah ayuu noogu soo booqan jiray Saldhiggii Radio SNM, isaga oo mar walba suurado hor leh noo duubi jiray. Intaa kuma ekeyn, Aw Geesh dhaqan ayuu ka dhigtayoo Radio Hargeysa-na si joogto ah ayuu Quraanka kugu duubi jiray.

Hawsha uu keli ku ahaa ee aanay cidina la wadaagin, taas ayay ahayd. Intaas oo keliya ma aha’e, Aw Geesh waxa aan cidina ku labayn karayn codkii la yaabka lahaa ee uu ku akhriyi jiray Quraanka. Aw Geesh, naxariistii Janno Alla ha siiyo’e, hawlihiisu intaa kuma koobnayne, waxa uu ka mid ahaa odayaashii sama-taliska ahaa ee hawlaha doorka ah ku taakuleynta iyo Ciidanka, dhiirigelinta iyo wacyi-gelinta Ciidanka iyo qaar kale oo badan.

Sheekh Cabdi Oomaar oo loo yaqaanay Aw Geesh, waxa uu ahaa nin meel dhexaad ah. Waxa uu caado u lahaa inuu qaato macawis iyo shaadh, inta badan koodh u dheeraa. Cumaamadda ma dhigi jirin koofiyadna waa uu qaadan jiray. Aw Geesh, waxa uu ahaa nin dad-la-socod leh oo da’ walba la jaan-qaada. Inkasta oo aanu da’ weyneyn, haddana da’da iyo diintu dhallinyarada kama sooci jirin. Kaftan miidhan buu ahaa, Aw Geesh waxa uu lahaan jiray gadh sucuudi madow u badan oo cirro yari badhaxday. Labada fool mid ayuu la’aa, had iyo jeer tusbax ayaa qoorta u sudhnaan jiray. Waxa uu ahaa nin aan qalloon ee da’ walba halkeeda kala qaada oo awood u lahaa inuu gudbiyo waxa uu doonayo oo weliba u gudbin jiray si farshaxanimo leh oo qosol iyo kaftanba uu ku marriimay.

Inkasta oo aanan mefrish-wadaag la noqon, haddana waxa dhaqankiisi hufnaa ka mid ahaa in aanu ku dhaafin isaga oo aan erey iyo laba waxa maalintaa taagan la xidhiidha ku odhan, haddii aad iska hortimaadaan. Mararka qaarkood, waxaabu hollan inuu kaaga soo dego baska uu la socdo, si uu erey iyo laba murtiyi ku dheehan tahay kuugu tuuro. Markaa uu kula hadlayo, inta badan qosol ayuu ku ladhi jiray, isaga oo koofiyadda kolna dib u celinaya, kolna hore u soo yar dhigaya. Kaftan badnaantiisii, mararka uu qosolka ku yar raago waxa aad arkaysay labada xidid ee margiyada oo kacay. Aw Geesh, waxa uu ahaa dadka aqoonta iyo garashada xurmeeya. Tusaale haddii aan soo qaato, marka uu kula kulmo ee damco inuu wax ku yidhaa, hadalka waa uu sari jiray. Waxa uu ku talo-geli jiray in aad adigu buuxsato oo qofka garashada kama wada qaadi jirin oo sheeko dheer uma marin jirin. Qofba sida uu u yaqaan ayuu ugu dhigi jiray. Waxa uu ahaa nin dadka aad ugu xidhnaa oo aan inta badan qayb ku koobnayn.

Bishii Jeenirweri 15-dii – 17-dii 2000, waxa uu ka mid ahaa dad nagala qayb galay aqoon-is-weydaarsi lagu qabtay Golaha Madadaalada ee Wasaaradda Warfaafinta oo ku saabsanaa, kaalinta ay warbaahintu kaga jirto dib-u-dhiska dalka. Ka sokow, inuu codkiisii la yaabka lahaa noogu furi jiray shirarka, waxa aan aad u xusuustaa dhiirranaantii la yaabka lahayd ee uu ku daafacayay Xorriyatul-qawlka, isla markaana uu ku dedadafaynayay Guddiyada Nabadgelyada oo mararka qaarkood loo adeegsan jiray warfidiyeenada.

Waxa aan xusuustaa Oktoobar badhtamaheedii 1007-kii, isaga oo galab noogu yimid xarunta Jamhuuriya oo aan beryahaa ka shaqayn jiray. Markaa uu noo soo galay, waxa aanu haynay sheeko ku saabsanayd Xuskii Maalinta Shuhadada oo ku beegneyd 17-kii Oktoobar. Codsi-miisaaniyadeed oo aanu dawladda u qorannay si uu SOOYAAL maalintaa u xuso, ayaa jawaab qoraal ahna looga keenay, qoraalkaas oo odhanayay shuhadada halooga duceeyo Masaajiddada. Aw Geesh, markii aanu u sheegnay xaddigi lacageed ee SOOYAAL xuska maalintaa u codsaday ayuu si qurux badan u yidhi; “Masaajiddada Hargeysa boqol waa ay ka badan yihiin oo miisaaniyadda aad codsateen, si shuhadadii loogu duceeyo culimadaba ma deeqdeen.” Waan xusuustaayoo Dhan-xiirkii subaxdii dambe sheekadaa Aw Geesh ayuu ku baxay, markii dambe Madaxtooyadda ayaa SOOYAAL looga yeedhay, dood aan wakhti badan qaadan kadibna, miisaaniyaddii waa loo ogolaaday sidiina Xuskii Shuhadadu waa uu ku dhacay.

Sheekh Cabdi Oomaar oo Aw Geesh ku magac dheeraa, waxa uu ku Dhashay meesha Sabbayse la yidhaa oo ku taal Kililka Shanaad. Sida uu dhaqanku yahay, halkaa ayuu ka bilaabay malcaamad Quraanka, isaga oo markii dambena noqday caalim diinta ku xeel-dheer. Beryihii dambe ee uu weynaaday, waxa uu ka tirsanaan jiray Xerti Sheekh Faarax. 1964-kii, dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya ayuu u soo wareegay dalka, isaga oo ka tirsanaa Jabhadii Gobanimo-doonka ee xilligaa. Waa halka uu kula baxay naanaysta uu ku caan baxay ee Aw Geesh. Wakhtiyadan dambe, intii aanu dhiman, waxa uu deggenaa magaaladan Hargeysa, isaga oo Imaam ka ahaa Masaajidka loo yaqaan “Boqol-jirka.”

Aniga oo si gole-ka-fuul ah taariikh-nololeedka Aw Geesh u galay oo aan wakhti badan siin, waxa aan hubaa in lagu xusuusan doono inuu ahaa cod iyo caalim halgankii ku ladhnaa. Si gaar ah ayuu noo taabanayaa bahdayadii warfaafinta ee SNM, shakina kuma jiro inuu kaalin muuqata ka soo galay dib-u-dhiskii Somaliland oo uu odayayn iyo diinba u adeegsaday. Waxa aanu shaki ku jirin in Bahda warfaafinta ee Somaliland, gaar ahaanna Radio Hargeysa iyo Wargeysyadu ay tebi doonaan, maqnaanshaha Aw Geesh. Illaahay naxariistii Janno ha siiyo, inaga iyo intii uu ka tegayna samir iyo iimaan.

DAYMADA DARYEELKA DEGAANKA

Waxyeelada Degaanka Ee Shucaaca Iyo Shanqadha (Radiation And Noise)

Waxyeelada Degaanka Ee Shanqadha

 

Marka wasakheynta degaanka aan ku fasirno in lagu tilmaamo aalado waxyeelo u leh caafimaadka oo ku darsama hawada, dhulka iyo biyaha, laakiin waxa jira laba arrimood oo aan si toosa uga mid ahayn qeexiddaas oo ah shucaacyada iyo dhawaaqyada ay biixyaan shanqadhaha oo labaduba ay yihiin waxaan muuqan, markase ay si xoog leh oo tiro badan u soo galaan degaanka waxa ay u keeni karaan waxyeelo caafimaad. Qofka ay degaankiisa ka dhacaan dhinaca shucaaca sanqadhaha iyo dhawaaqyadu.

Si aad waxa uga ogaato bal qaddar yara joogso oo dhegayso, maqal, ilaa imisa sanqadhod oo kala duwan ayaa dhegahaaga ku soo dhacaya? Waxaa laga yaabaa inaad maqasho hadalka dadka wada hadlaya, guuxa gaadiidka, guuxa diyaaradaha iwm. Mar walba sanqadh ayaa jirta, laakiin muga guuxa sanqadhuhu way sii kordhayaan, taas oo ka timid tirada mashiinada kala duwan ee aynu u isticmaalo nolol-maalmeedkeene oo sii kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa.

Muga ama xooganaanta sanqadha ka dhacaysa ama ka jirta degaanka waxaa lagu qiyaasaa (decibels), dhawaaqa ama sanqadha baxaysa haddii uu mugeedu gaadho 130 decibels, waxaa ay xannuun ku keeni karaan dadka ku nool degaankaas marka ay dhegahoda ku dhacdo.

Marka dhegaha dadka ku nool degaan ay muddo dheer maqlaan dhawaaq sanqadhiisa mugeeda lagu qiyaasi karo (80) decibels waxaa dhacda in dadkaas uu ka lumo dareenka maqalku, oo ay dhago beelaan.

Dhawaaqa sanqadhaha ee waxyeelada u leh degaanku waxa ay aad uga badan tahay magaaloyinka oo ay ka jiraan gawaadhida gaarka ah, basaska la wada raaco, tareenada, mashiinada qalabka dhismaha iyo wershado.qiyaas ahaan baska xawaaraha socod ee dhexe cel-celis ahaan ku socda, wuxuu sameeyaa sanqadh dhawaaqeeda lagu qiyaaso 90 decibels. (Waa basaska dhaadheer ee aan inta badan lagu isticmaalin Somaliland).

Marka ay dhegaha dadku 8 saacadood oo xidhiidh ah ay ku soo dhacdo sanqadh dhawaaq oo lagu qiyaaso (90-decibels), waxaa dadkaa la soo dersaya waxyeelo caafimaad oo ah dhinaca maqalka (dhegaha), haddii aad markaa tahay qof shaqaale ah oo ay duruuf kugu qasabtay inaad joogto goob saacadahaas xidhiidhka ah uu ka dhaco dhawaaqaas waxyeelada u leh dhegaha dadka waxaa habboon inaad xidhato wixii qalab ah ee dhegahaaga ka badbaadinaya sanqadhaa waxyeelada u leh caafimaadkaaga.

Meelaha ay dhawaaqyada sanqadhoodu waxyeelada u leedahay dhegaha dadka ay aad uga dhacaan, waxaa ka mid ah meelaha gagooyinka diyaaradaha (Airports), halkaa marka diyaaradu kacayso waxay curisaa dhawaaq ay qiyaastiisu tahay ilaa 150-decibels, kaas oo keena inta badan dhego la’aan ama waxyeelo qofka ka gaadha dhinaca dhegaha iyo dareenkooda maqalka. Tani waa sababta ay shaqaalaha gegooyinka diyaaraduhu u xidhaan dahaadhka dhegaha (Earmuffs), laakiin miyaad ogtahay dhawaayada rikoodhada goobaha caweysyadu ay si daayaan dhawaq sanqadheed oo uu cabirkiisu u dhigmo kan ay sameeyaan diyaaradaha ka duulaya gegooyinka diyaaradaha, taas oo sabatay in dad badan oo fanaaniin ah iyo kuwa muusiga tumaa ay waxyeelo kala kulmaan dhinaca maqalka.

Dhawaaqa sanqadhaha ay qiyaastoodu gaadhay heerka waxyeelada u leh dadka oo uu qofku muddo dheer dhegahiisa u hibeeyaa waxay keentaa waxyeelo caafimaad oo qofka kaga timaada dhinaca maqalka iyo dhegaha ama dhego la’aan.

Waxyeeladan oo u timaada qofka marka unugyada gudaha ee dhegaha ay cuskadaan sanqadhan xooga badani, waxay burburiyaan unugyadii maqalka ee dhegaha.

Dhawaaqa sanqadhaha qayru-xadka ahi waxa kale oo ay isbeddel guud ku keenaan jidhka qofka ay la soo derseen sida garaaca wadnaha oo si khaldan oo xooga u shaqeeya, xiddida dhiiga oo isku urura daciifana, calool-xanuun iyo wixii la mid ah.

Waxyeelada degaanka ee shucaaca (Radiation)

Shucaacu (Radiation), waa tamar aan muuqan oo mar-walba xaddi ka mid ahi uu ku sugan degaanka, waxaanu ka yimaadaa cad-cadeeda wuxuuna soo maraa aaga ka baxsan hawada ku dahaadhan dhulka, kadibna wuxuu soo galaa hawada degaanka dhulka ee aynu ku nool nahay.

Waxa iyana leh shucaaca oo ku yimaadaa waxyaalaha dabiiciga ah ee ay yuraaniyam (Uranium). Noocan shucaaca ee ka yimaada Yuraaniyam-ta, waxaa lagu magacaabaa Radioactive.

Dhaqdhaqaaqa iyo hawl-maalmeedka nololeed ee dadka iyo aaladaha sanaaciga ah ee ay u samaysteen fududaynta nolosha ayaa iyana sababtay in uu degaanka dhulka ee ay ku nool nahay uu soo galo shucaaca noociisa halista ah ee loo yaqaan Radioactive.

Ilaha degaanka ee soo daaya radioactive-ka waxyeelada u leh caafimaadka dadka waxaa ka mid ah wershadaha Nuclear-ka, mashiinada sawirka X-Ray, telefishanada midabka leh, qumbuladaha Nuclear-ka leh ee la tijaabiyo, ayaa iyaguna degaanka ku sii daaya shucaaca halista u ah degaanka iyo caafimaadka dadka iyo duunyada kale ee ku nool.

Dad badan ayuu dunida waxyeelo gaadhsiiyay markii degaankooda uu ku faafay shucaaca halista ah ee Radioactive, waxaase jirta inaan ilaa hadda la xaqiijin tirada iyo baaxada uu Radioactive-ku ku dilo karo qofka marka uu ku dhaco, laakiin waxa la ogyahay haddii uu jidhka banii’aadamku muddo dheer baadi u noqdo lakulanka Radioactive-ka inuu u keeno waxyeleo caafimaad. Waxaa intaa dheer in dadka ku shaqeeya aaladaha sii dayn kara Radioactive-ka ay aad u sarayso fursadda ay ku qaadaan cudurka halista ah ee Kansarka, waayo shucaacani wuxuu dilaa unugyada nool ee jidhka, isaga markaa hawl-gab ka dhiga xubno jidh oo muhiim u ah nolosha qofka.

Haddii uu qofku si baaxad leh jidhkiisa ula kulmo shucaaca Radioactive-ka, waxaa markaa ku dhaca xannuunka loo yaqaan cudurkii shucaaca (Radioactive sickness), waxaana astaan u ah qofka uu ku dhaco shuban xad-dhaaf ah, matag iyo timaha oo qofka ka daata ama ka hoodha, dhiig kaga furma jidhka gudihiisa iyo xannuunada faafa oo uu qofku u nuglaado.

Shaqaalaha ka shaqeeya gododka macdanta, gaar ahaan kuwa qoda macdanta Uranium-ta ayaa hore loo xaqiijiyay inuu aad ugu dhaco cudurka Kansarku.

Daraasaddii ugu dambaysay ee lagu sameeyay waxyeelada Radioactive-ku waxay tilmaantay inaan lakulanka qofka ee Radioactive-ku aanu lahayn xad la odhan karo waa lagaga badbaadaa haddii uu qof la kulmo.

Radioactive-ka waxaa inaga degaan ahaan halis ugu jira dad badan oo iyagoon aqoon u lahayn ka qaybgala hawlo macdan-qodis ah. Arrintani waxay keentaa in ay dad soo gaadho waxyeelo caafimaad oo Radioactive, laakiin aqoon-darrada awgeed aan la fahmin sababta waxyeelada caafimaad ee qofka gaadhay, taas oo keenta dhimasho iyo dad badan oo maskixiyan u xannuunsada kadib markii ay ka qaybgaleen hawl la xidhiidha macdanaha aanay aqoonta u lahayn.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Safarkii Madaxweyne Rayaale Ee Jabuuti Guul Buu Ahaa Somaliland

Safarkii uu dhawaan madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ku tegay jamhuuriyadda Jabuuti guul weyn oo siyaasadeed ayuu u ahaa jamhuuriyadda Somaliland, sababta oo ah waa markii ugu horraysay ee madaxda Jabuuti ay afkooda ka yidhaahdaan magaca madaxweyne iyo jamhuuriyadda Somaliland. Markii uu madaxweynuhu baxay dad badan ayuu dareen weyni galay (dadweynaha intiisa badan), iyaga oo ka shakisnaa inay arrintaasi inoo keento dhibaato dhinaca siyaasada ah, iyaga oo u arkayay inuu ku xumaanayo ilaaqaadka inaga iyo Itoobiya, laakiin arrintu waxay ku wanaagsan tahay goor walba in la sugo natiijada.

Madaxweynuhu markii uu shalay soo noqday ee saxaafaddu waraysatay wuxuu caddeeyay inaan safarkiisani kedis ahayn, booqashadii uu Itoobiya ku tegi lahaana ay dawlada Itoobiya iyadu dib u dhigtay.

GEBOGEBO

Safarakaasi madaxweynuhu ku tegay Jabuuti wuxuu inoo soo hooyay guul siyaasadeed, wax wal oo dhacaba waa in laga wada hadlaa oo heshiis lagu dhammeeyaa, maadaama aynaan kala maarmaynin waddamada jaarkeena ah.

Waxaana ino furmay xidhiidhkii labada dal oo ku soo noqday sidii caadiga inoo ahaan jirtay. Markaasi guud ahaan waxaan shicibka Somalilanders-ka ah kula talinayaa goor walba/mar kastaba inaanay degdegin ee arrimaha cagta loo dhigo, hubsiimo badana sameeyaan.

Ismaaciil C/raxmaan Cumar-xaashi,

Hargeysa.

Hadii Garsoor Fiican La Doonayo Awood

Hala Siiyo Maxkamadda Shareecadda Islaamka

SH: Maxamed Cumar dirir

Waxa muuqata inuu dalkani si wey uga curyaamay dhinaca gar-soorka, waxayna sababtu tahay inaga oo ka war-wareegna wixii uu Illaahay ugu talo galay in lagu helo garsoor fiican.   Waayo Illaahay waxa uu waajib inagaga dhigay inaynu isku xukunno shareecadda islaamka, inta aynu taa diidanahayna waxba inoo hagaagi maayaan, mana jiro garsoor fiican oo aynu helaynaa.

Sidaa awgeed waxaanu ku talinaynaa in awood fulineed la siiyo maxkamadda shareecadda islaamka ee uu madaxda ka yahay SH: Maxamed Cumar Dirir, Maxkamadaas oo ah meel dadka ay dac-waduhu ka dhexeeyaan ee isula taga saacado yar ku kala dira ama ku kala saara, isla markaana waa maxkamad dadka kala Marisa dariiqii Illaahay jeexay ee shareecadda islaamka, waana meel aan dadka u kala eexan, laaluush-na ka qaadan.

Sulub Cali Biixi iyo Maxamuud Macallin C/raxman

 

Waxaaanu Ka Cabanaynaa   Dhibaatada Rarista

Waxaanu nahay ilaa 300 qoys, waxaanuna ka cabanaynaa dhibaato nalala daba joogo.

Bishii 6aad ee sannadkii 2001 ayaa nalaga raray iskuulka farsamada gacanta Hargeysa, waxaynu dawladdu si sharci ah noo dejisay xaafadda la yidhaahdo Magaalo-qalooc oo ku taal jiidda xaafadaha Ayaxa, geedigaas-na waxaanu kala kulanay dhibaato iyo dayac badan oo dhinac wal-ba leh, hadii ay tahay biyo-la’aan, hadii ay tahay iskuulo la’aan iyo hadii ay adeeg kasta tahayba, laakiin, iyadoo aanaan cid-na gacan ka helin ayaanu wax iska yab-yabanay oo aanu samaysanay meelo aanu maxasta dhigano, berkedo biyaha ah,suuliyo iyo xataa mil-caamado quraan . Balse nasiib daro markii aanu is-lahayn iminka ayaad waxoogaa ka soo kabateen diiftii raristii hore ayey iminkana dawladda hoose oo ah tii meeshana dejisay, haddana na-leedahay meesha ka guura, waxaana raristayada horsed ka ah Duqa caasumadda, taas-na waxaanu filaynaa in ujeedada leeyahay cidii caqli lihiba waa garanaysaa. Laakiin waxaanu madaxda sare ee dawlad iyo dadweynahaba u sheegaynaa inaanaan xamili karayn dhibaato iyo dayac dambe oo naloo gaysto oo la yidhaahdo maantana waa la idinka baabi’inayaa wixii yaraa ee aanu yab-yabanay, sidaa darteed hadii ay dhacdo in talaabo noocaas ah nalagula kaco, wixii dhibaato iyo fool-xumo ka yimaadda waxa ka masuul ah madaxda dawladda Hoose, iyadoo naloo qabtay in nala rarayo 25/6/2002, laakiin waxaanu madaxda sare ee dawladda ka codsanaynaa inay arinta wax ka qabtaan intaan fool-xumo ka iman.

1- Maxamed Cilmi Xasan 2- Maxamed Jaamac Cigaal 3- Maxamed Qalinle Qaalib 4-Baashe Siciid Faarax 5- Cabdi X. Nuur Faarax 6-Xuseen Daahir Axmed 7- C/salaan SH: Axmed 8-Xasan Jaamac Cawed

WAADIGA CIYAARAHA

Blattter Oo Weeraray Guddiga Garsoorka FIFA

 

Tokyo (Reuters) – Guddoomiyaha FIFA Sepp Blatter  oo kulan la yeeshay Axaddii guddida garsoorayaasha koobka adduunka ayaa ku wargeliyay inay garsoorayaal wanaagsan xulaan ciyaaraha wareega ugu dambeeya (semifinal). Blatter waa kale oo uu si weyn u canaantay sida guddidu u soo xulatay dhex-dhexaadiyeyaashii wareegii siddeeda.

Guddoomiyaha FIFA, wuxuu ku wargeliyay in fadhigii ay yeesheen laga bilaabo doorashada saraakiisha dhex-dhexaadinta ee ciyaaraha Salaasada iyo Arbacada dhacaya, taas oo markiiba isla fadhigii lgu dhammeeyay.

Waddamada Isbaanishka iyo Talyaaniga ayaa guul-darrooyinkoodii u aaneeyay garsoorayaashii maamulay ciyaarihii ay la yeesheen waddanka martigelinaya ee koonfurta Kuuriya.

Guddoomiyaha FIFA oo kahortegaya si aan cabasho dambe u dhicin, ayaa raggii la soo xulay kula dar-daarmay inay si fiican u shaqeeyaan.

Blatter, wuxuu sheegay inuu  guddida kala ballamay kahor ciyaarihii wareegii siddeeda, wuxuuna tilmaamay in la iska dhega-maray hadalkiisii.

“Wixii aynu ku arkaynay kulamadii la soo dhaaafy, gaar ahaan ciyaarihii kooxda Korea ku lug lahayd, waxaan odhan karaa fikrad qallafsan baan ka qaatay. Fikirka guddidayada garsoorku ka leedahay go’aanka ay ku doorteen garsoorayaasha iyo calan-walayaasha,” sidaa waxa yidhi Blatter oo ka hadlay cabashooyinka ka soo if-baxay ciyaarihii dhacay.

Blatter oo hadalkiisii aad ugu dheeraaday ayaa marar dhawr ah ku cel-celiyay in guddida garsorku ka dhega-adaygtay go’aamadiisa, ayaa markale ku baaqay inaan tallaabadaa mar dambe loo dul-qaadanayn. “Farrintaydu waxay ahayd in ay guud ahaan fahmaan guddida garsoorku, balse ma noqon mid la dhaqan-geliyay,” ayuu ku daray Blatter.

Af-hayeen u hadlay FIFA, oo lagu magacaabo Keith Cooper, ayaa sheegay in khaladaadkii ugu weynaa ka dhaceen kulamadii faynalka ahaa. Hase yeeshee, ay ba’abiiyeen rajadii Talyaaniga iyo Isbaanishka, taas oo ay cadho xad-dhaaf ah kaga jawaabeen taageerayaasha labada waddan.

Af-hayeenku wuxuu sheegasy in ay dhaceen mid ama laba khalad oo waaweyni, balse aanay jirin wax ujeedo ah oo ka dambaysaa.

Mr. Cooper, wuxuu difaacay garsoorayaasha uu ku tilmaamay rag aad u dedaalay, hawl adagna qabtay. “Garsoorayaashu aad bay u diyaar-garoobeen, hase yeeshee waa aadami oo lama odhan karo khalad ma geli karaan,” ayuu yidhi.

Blatter, wuxuu qiray in khaladaad dhacay, hase yeeshee, wuxuu eeda inteeda badan u xambaariyay calan-walayaasha oo uu ku tilmaamay kuwa keenay khaladaadka farsamo ee dhacay ilaa hadda.

Garsoorayaasha oo ka khatoobay cannaanta Blatter, oo joogto noqotay iyo intii uu bilaabay olalaha musharaxa guddoomiyenimada FIFA, ayaa keentay inaanay u dheg-taagin hadalladiisa.

Pele Oo Ka Digay Khatarta Korea Ka Muuqata

 

Yokohama (AFP) – Dheemanka kubadda cagta adduunka ee reer Brazil ayaa wadnaha farta ku haya khatarta ay kooxda koonfurta Kuuriya ku hayso Jarmalka oo ay halis ku hayso inay ka badiso kulanka Salaasada ee koobka adduunka oo ka dhacaya Seoul.

Pele, wuxuu muujiyay khatarta Jarmalka hortaal, oo uu sheegay inay keeni karto inaanay fursad u helin markii afraad ee hanashada koobka adduunka, taas oo haddii ay dhacdo ay la sinmayaan Brazil.

Brazil, oo hadday soo baxdo kulanka Arbacada rajaynaysa inay markii shanaad ku guulaysato koobka adduunka.

Pele oo tilmaamay inay yar tahay rajada Jarmalku, ayaa ishaaray suurto-galnimada Brazil iyo Korea oo koobka isugu yimaada, balse ma sheegin kooxda ku guulaysanaysa koobka, haddiiba ay dhacdo inay isugu soo hadhaan. Balse wuxuu muujiyay siday Korea ugu qalanto kaalinta kama-dambaysta ah, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Korea way u qalantaa inay u soo baxdo kama-dambaysta, wayna ka mudan tahay Jarmalka, maadaama ay Poland iyo Portugal ku jiidhay wareegii koowaad, kadibna ay wareegii labaad ku garaacday Talyaaniga, halkay wejigii saddexaadna ku direen Spain.”

Pele, wuxuu sheegay inaan Jarmalku u qalmin kaalinta hadda uu soo gaaday, iyo inay ka badiso Maraykanka oo laga dafiray rigoore.

“Waxay nooqnaysaa mid xiiso badan u leh ciyaaraha Korea, haddii ay kama-dambaysta soo gaadho,” ayuu yidhi Pele.

Ciyaaryahanka FIFA ee qarnigu, wuxuu tilmaamay in fursadda keliya ee Jarmalku haystaa ay tahay khibrad yaraanta Kuuriya haysata, taas oo uu muujiyay inay ku dabooli karaan qalbi adag iyo geesinimo dheeraad ah.

Pele, mar wax laga weydiiyay fursadda Brazil ee hanashada koobka adduunka, wuxuu sheegay inaanu u hadal la’ayn, balse ay dhici karto inay ku guulaysato. “Hawl fiican bay qabatay, laakiin ma rabo inaan idhaahdo way ku guulaysanaysaa, waayo dhammaan waddamadii ugu mudnaa dhammaantood way ku guul-darraysteen,” sidaa waxa yidhi Pele oo ka war-wareegay inu caddeeyo cidda ku guulaysanaysa koobka.

Sidoo kale, goolhayaha xulka Jarmalka Oliver Kahn, oo hormuud ka ah guusha waddankiisu ka soo hooyay koobka adduunka ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin kaalinta uu waddankiisu soo gaadhay ee afarta. ‘Waxaanu joognaa wareegii ugu dambeeyay, taasina waxay la mid tahay inaanu ka mid nahay afarta waddan ee dunida ugu wanaagsan,” ayuu yidhi Kahn.

Rudi Voeller, ayaa isna qiray inaanu si buuxda ugu kalsoonayn, oo aanu ballan-qaadi karin in waddankiisu ku guulaysanayo kulanka Kuuriya ee Salaasada. Voellere waxa kale oo uu qiray dhaliilaha kooxdiisa ka muuqday kulankii ugu dambeeyay. “Waan ku faraxsanahay maxsuulka, laakiin 100% kumaan qanacsanayn sidii aan u ciyaarnay,” ayuu yidhi Voeller.

Jarmalka oo rajo aad u yar ku soo galay tartanka ayuu hadda hunguri ka galay koobka, waxayna aaminsan yihin in ay yihiin waddanka keliya ee ugu xamaasada weyn marka la soo gaadho wareega ugu dambeeya.

Hanka Jarmalku hoos uma dhicin xataa markay ogaatay inay ku soo beegan yihiin Spain iyo Korea tii soo badisa. Waxayna weli ku hamiyaysaa inay markii shanaad kama-dambaysta timaado, iyada oo sided goor soo gaadhay kaalinta ay hadda joogto.

Si kastaba ha ahaatee, wxaa laysla wada qiray inaan kooxda ugu fiicani marna aanay koobka ku guulaysan, sidaa darteedna ay dhici karto in Jarmalka iyo Brazil midkood ku guulaysan karo.

Brazil Oo Ka Walaacsan Inay Turkiga Mar Labaad Kulmaan

 

Saitama (AP) – Turiga ayaa dareensan sida aanay Brazil u jeclaysan inay mar labaad ku kulmaan wareega ugu dambeeya.

Turkigu wuxuu muran ka muujiyay kulankii Brazil ee wareegii koowaad, xataa markii ay dhammaatay ciyaartii oo Brazil 2-1 ku adkaatay. Inkasta oo Brazil u muuqato inay kulankaa ka gudbi doonto, ayay hadana ka baqdin qabtaa in ciyaarat Arbacada lagaga aar-goosto.

Tabobaraha Brazil Scolari, oo Axaddii u warramay telefishan ku yaal Brazil ayaa muujiyay sidaanu ugu farxin inay mar labaad isku soo beegmaan Turkiga.

“Xaqiiqatan, maan jeclaysan inaanu mar labaad Turkiga isku soo noqono,” sidaa waxa yidhi Scolari.

Brazil oo 2-1 ku dhaaftay kulankoodii koowaad aya telefishanada ka daawanaysay markii uu soo baxay Turkiga oo 1-0 kaga adkaaday Senegal waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Tabobare Scolari, wuxuu sheegay in ay door-badiyeen Senegal oo ku soo beeganta.

Senegal oo hannaan fur-furan ku ciyaarta ayaa u ilko-qabow, Brazil oo ciyaar qallafsan oo anshax xun ka filaysa Turkiga.

“Senegal waa koox aanaan wada ciyaarin, laakiin Turkiga wxaanu ku dhaafnay shaqo adag, waana kuwo ka farsamo iyo xeelad badan,” ayuu yidhi Scolari.

“Turkigu way noo babac dhigi karaan, waayo ciyaartayada aya garanayaan,” sidaana waxa yidhi difaaca Real Madrid Roberto Carlos, isaga oo kula midaysan fikradda tabobarahooda.

Turkiga iyo Brazil, oo wada ciyaaray 3 June 2002, wuxuu kulankoodu noqday mid aan xiiso badan lahayn oo xag-xagasho u badan. Turkiguna waxay ku dedaalayaan inay Brazil ka qasaan ciyaarta.

Dhammaadkii qaybtii koowaad ayuu Turkigu ku hormaray gool-dhalinta, kadib markii Hasan Sas, kubadda daba-mariyay goolhaye Marcos. Balse daqiiqaddii ugu dambaysay ayuu Rivaldo dhaliyay goolkii barbaraha, iyada oo waqti dambena Brazil uu u dhaliyay rigoore loo dhigay oo u muuqday inuu ka sarreeyay diilinta ganaaxa.

Garsoorihii ciyaarta oo Korea u dhashay Kim Young-Jog, ayaa casaan siiyay laba ka mid ah Turkiga, taasina waxay ka cadhaysiisay Turkiga oo hadda raba inuu Brazil ka aar-goosto.