Haatuf, Cadadki 103, June 26, 2002

Natiijada Safarkii Madaxweyne

Rayaale Oo Ka Farxisay Dadka Reer Awdal

Raxan Baabuurta Xamuulka oo Boorama ka

Kolonyaystay iyo Idaacadda Djabuuti oo laga baahiyay in xadka la furay

 

Boorame (Haatuf): Ilaa Laba iyo Toban gaadhi oo isugu jira kuwa xamuulka qaada iyo gaadiidka yaryar ee rakaabka ayaa markii ugu horreysey muddo sannad ka badan shalay ka kolanyaystay magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal iyagoo u sii jeeda dalka DDjabuuti.

Sida uu Haatuf u sheegay Taliyaha Laanta Socdaalka ee Gobolka Awdal Fu’aad Caabbi gaadiidkaas qaarkood waxay Boorame ka qaadeen xamuul isugu jira Hadhuudh iyo Qamaddi loo iibgeynayo DDjabuuti.

April 2001 ayaa dowladda DDjabuuti xidhay xuduudka ay la wadaagto Somaliland, taas oo ahayd tallaabo aargudasho ah oo ay qaadday kadib markii xukuumadda Somaliland ay magaalada Berbera ku gubtey shixnad Sigaar ah oo qiimaheeda lagu qiyaasay U.S $800,000 oo uu lahaa ganacsadaha reer Djabuuti Cabdiraxmaan Boore, iyadoo guud ahaanna xidhiidhka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Djabuuti uu ahaa mid aan wanaagsanayn intii ka dambeysey shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee Djabuuti martigelisay sanadkii 2000.

Xuduudka la xidhay waxa waxoogaa dhibaato ahi ka soo gaadhey dadweynaha reer Awdal oo in badan noloshoodu ku tiirsanayd ganacsiga badeecadaha loo iibgeeyo Djabuuti iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka labada dal. Arrinta safaradanina waxa ay ka dambeysey heshiis ay labada dowladeed ee Somaliland iyo Djabuuti ka gaadheen khilaaftii u dhexeeyey markii toddobaadkan uu booqasho ku tegey Djabuuti Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale iyo wefti uu hoggaaminayey, kaas oo isla markaana dib loogu furay xuduudka labada dal.

Sida uu ku soo warramay Weriyaha Haatuf ee Boorame Maxamed Cumar, arrintani waxa ay timi toban cisho uun kadib markii dib loo furay madaarka magaalada Boorame oo isaguna xidhnaa muddo laba sannadood ah.

Madaarka ayaa la sheegay in uu u xidhmay dayactir la’aan iyo arrimo ku lug leh xidhiidhka xumaaday ee labada dal Somaliland iyo DDjabuuti. Shariikadaha Djibouti Airlines iyo Daallo ayaa dib u bilaabmay duullimaadyadoodii ay ku tegi jireen Boorame toddobaadkiiba afar goor.

Dadweynaha magaalada Boorame ayaa lagu soo warramay inay si weyn ugu farxeen tallaabooyinkan oo ay ku bogaadinayaan Madaxweyne Rayaale.

Dhinaca kale, Idaacadda dowladda Djabuuti ayaa labadii maalmihii u dambeyeeyey siideysey Ogeysiis ay dadka reer Djabuuti ku wargelinayso in ay furan tahay waddada Lawya-caddo ee isku xidha Somaliland iyo DDjabuuti.

 

“Wasiiradda Cuqaasha Noqday Kii Shaqaysan Waaya Waa In La Iska Baraxo… Dekedda Berbera-Na Weli Waxa Ka Jira Nidaamkii Af-Weyne”

“Magaalooyinka qaarkood waxa Maayar ka ah Rag aan u qalmin sharafta xafiiska”

Hoggaamiyaha Ururka UCID oo kulan saxaafadeed kaga hadlay mawqifkooda wakhtigan

 

Hargeysa (Haatuf): Ururka UCID oo ka mid ah ururada siyaasadeed ee dalka ka abuurmay ayaa shalay daboolka ka qaaday mawqifkiisa siyaasadeed ee ku waajahan hogaanka cusub ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo marxaladda uu dalku marayo.

Kulan saxaafadda loogu talo galay oo ay hogaamiyayaasha ururka UCID ku qabteen hudheelka XARAF ee magaalada Hargeysa waxay tafaasiil kaga bixiyeen sida ay u arkaan hogaanka cusub ee Madaxweyne Rayaale , mawqifkooda dhinaca doorashooyinka iyo arimo kale , isla markaana waxay farta ku fiiqeen meelo ay ku tilmaameen inay ka muuuqdaan dhaliilo muraayadda kaga yaal hanaanka maamul ee dawladda Somaliand , iyaga oo xukuumadda Somaliland u soo jeediyey inay wax ka qabato.

Hogaamiyayaasha ururka UCID oo uu ka dhex muuqdo gudoomiyahooda Faysal Cali-waraabe waxay ugu horayn madashii shirka jaraa’id ka akhriyeen qoraal saxaafadda loogu talo galay, ka dibna waxay jawaabo ka bixiyeen su’aalo ay weriyayaashu ka waydiiyeen arimaha ay ka hadleen.

“Ururka daryeelka iyo cadaaladda (UCID) markuu arkay xaaladda dhabta ah ee ay maanta ku sugan tahay Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo tix-gelinaya isbedelkii dhinaca siyaasadda, ka dib geeridii madaxweynihii hore, isla markaana aanu u kuur galay cah-diga cusub waxaanu dawladda iyo bulshada reer-somaliland u soo jeedinaynaa”, ayey ku bilaabeen qoraalkooda, laakiin waxay intaa ka dib farta kuu fiiqeen saddexda gole ee ay ka kooban tahay dawladda dhexe, waxaynu yidhaahdeen “Inkasta oo uu distoorku si fiican u kala qeexay masuuliyadaha kala saran golayaasha, haddana waxa dhacday in 11-kii sannadood ee ay dawladda Somaliland jirtey in awoodii golayaasha xeer-dejinta iyo cadaaladda uu maroorsaday Golaha Xukuumaddu, ka dibna ay meesha ka baxday xisaabtankii la rabey inay isku sameeyaan saddexda gole, sida darteed Madaxweynaha cusub waxaanu kula talinaynaa inuu golihiisa Xukuumaddu ku ekaado masuuliyadda distoorku u qeexay”.

Sidoo kale ururka UCID, iyaga oo ka hadlaya dhinaca siyaasadda arimaha debedda waxay yidhaahdeen “ Waanu ku tahniyadaynaynaa fir-fircoonida uu Madaxweyne Daahir Rayaale geliyey siyaasadda arimaha debedda oo runtii baylah-sanayd muddo badan, waxaanuna si taxader leh u soo dhowaynaynaa safarkii uu madaxweynuhu ku tegey Djabuuti”, Laakiin waxay intaa ku ladheen oo ay ku taliyeen in dib loo habeeyo hawlahaha wasaaradda arimaha debedda, waxaana lama huraan ah ayey yidhaahdeen in la xoojiyo Xafiisyada arimaha debedda , xafiisyo cusub-na laga furo meelo ay ka mdi yihiin :Kenya, New-york, Qaahira iyo Brussels, isla markaana waa in la soo celiyo bay yidhaahdeen xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyey Somaliland iyo dunida Carabta.

Sidoo kale waxay ku taliyeen in la xoojiyo Xafiiska ay Somaliland ku leedahay caasimadda Itoobiya ee Adis-ababa, iyaga oo sababtana ku tilmaamay inay Adis-ababa tahay Geneva-da Afrika.

Dhinaca doorashoyinka, iyaga oo ka hadlaya waxay yidhaahdeen “waxaanu si buuxda u taageeraynaa inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah, waxaana loo baahan yahay in la bilaabo diiwaanta dadka ka hor inta aan doorashada la gelin, islamarkaana waxaanu si buuxda u soo jeedinaynaa inay doorashooyinku dhacaan waqtiga kor-dhinta dhexdeeda si aan loogu baahan muddo kordhin”, laakiin ururka UCID, isaga oo tilmaamaya sida uu u arko in lagu heli karo doorasho xalaal ah waxay yidhaahdeen “Si loo helo doorasho xor ah oo xalaal ah waxa lagama maar-maan ah in si cad oo aanu mad-madow ku jirin loo kala saaro UDUB iyo dawladda”.

Sidoo kale dhinaca siyaasadda arimaha gudaha waxay ka yidhaahdeen “Waxaanu soo jeedinaynaa oo lagama maar-maan ah in dhammaan dhulka Somaliland la gaadhsiiyo maamulka, lagana abuuro jawi ay doorashoyin kaga dhici karaan”, waxayse intaa ku dareen oo ay soo jeediyeen arimo dhawr ah oo la xidhiidha siyaasadda gudaha, taas oo at ugu horayn ku baaqeen in wax laga qabto dhibaatada ka taagan dhul-boobka, hadii kale waxa ka dhalan kara bay yidhaahdeen xasiloono daro.  Sidoo kale waxay soo jeediyeen in la adkeeyo sharciyadda dadka aajnebiga ah ee dalka sida xad-dhaafka ah u soo gelaya ama u jooga oo ay tilmaameen dalka ku hayaan culays dhinacyo badan leh.

“Hay’adaha Caalamiga ahi mushaharka, gunnada iyo shaqada ay siiyaan aqoon-yahannada ay ka keenaan Kenya iyo Itoobiya ayaa 3000% ka badan ta ay siiyaan aqoon-yahannada Somaliland, iyaga oo debedaha ka keena shaqaale badan oo noocooda laga helayo Somaliland, arimahaana hayadaha qaabilsani ha daba galeen” ayey yidhaahdeen, ugu dambayna waxay ka hadleen arinta dhaqaalaha Somaliland iyo sida loo maamulo, waxaynu yidhaahdeen “Waxa cad inay Somaliland leedahay ilo dhaqaale oo dabooli karaya baahida adeegyada guud ee bulshada, laakiin waxa muuqata in dayac badani ka muuqdo adeegyada guud ee dalka, iyadoo aanay dadka cashuurta bixiya waxba ku baaqan, balse aan waxba dib loogu celin”, intaa ka dib waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen dekedda Berbera, waxaynu yidhaahdeen “ dekedda Berbera oo ka mid ahayd dekedaha ugu caansan Afrika, ahna hal-bowlaha dhaqaalaha dalka waxa maanta ragaadisay maamul-xumo iyo musuq-maasuq, taasina waxay keentay inay ganacsatada Reer-Somaliland u wareegaan dhinaca dekedda Boosaaso, sidaa darteed waxaanu soo jeedinaynaa inay dekedda Berbera yeelato qaab shaqo oo soo jiiddan kara dadweynaha”, laakiin hogaamiyayaasha ururka UCID, iyaga oo tilmaamaya sababta ay dekedda Berbera sida u noqotay waxa uu gudoomiyahooda oo jawaabayey yidhi; “Markii aan waraystay dadkeena debedaha waxay ii sheegeen in dekedda Berbera neefkii laga qaado lacag aanu qaadi karin oo lagaba helin, waxaanu ogaanay inay dadka Reer-Booosaaso dekedooda u samaysteen maamul ay leeyihiin, dekedda Berberena waxa ka jira nidaamkii Af-weyne, waxaanu marka jecel-nahay in laga tago nidaamkaa oo dekedda maamulkeeda la hagaajiyo , sidoo kale madaaradeena oo uu dakhli badani ka soo xeroodo waa in iyana la hagaajiyo”.

Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali-waraabe, isaga oo la hadlaya Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadiisa waxa uu ydihi “ Maanta dadku waa midaysan yahay, haddii aan laga faa’iidaysan isbedelka, haddana mar damne ayuu inagu qarxi doonaa buuq”, laakiin wuu sii waday, wuxuuna yidhi “ Madaxweynuhu waxa uu sameeyey dhegaysi badan oo faa’iido badan leh, wuxuuna urur-saday talooyin badan, waxayse ila tahay hadda inay gaadhay markii dadka wax la tusi lahaa ee ma shaqaystaha la iska barixi lahaa, waxaanuna jecel-nahay in wasiirada cuqaasha noqday lagula xisaabtamo wasaaradahooda oo uu madaxweynuhu u sheego inaanu wasiirku uga wakiil ahayn qabiil ee uu uga wakiil yahay wasaaradiisa oo uu kula xisaabtamo wasaaradiisa, laakiin wasiiradan shaqada ka dhigtay Reer-hebel baan soo qabanayaa iyo Reer-hebel baan hayaa ,waxaanu leenahay taa salaadiinta iyo cuqaasha ayaa leh, markaan waxaanu leenahay wasiirada aan shaqaysanayn waa in la iska baraxaa”.

Xog-hayaha ururka UCID San-jab ayaa is-na halkaa ka tiraabay, wuxuuna yidhi; “Magaalooyinka Somaliland qaarkood waxa madax ka ah, rag aan u qal-min inay xafiiskaa fadhiistaan oo ay fadeexadoodu badan tahay oo awoodii iyo sharaftii xafiiskaa si xun ugu tagri-falaya, markaa waa in si deg-deg ah arintaa wax looga qabto”.

“Arimaha lagu heshiiyey (Somaliland iyo Djabuuti) aad iyo aad baanu ula soconaynaa ilaa haddana wax uun baa la qoray ee ma jiro wax la taabtay oo bal horta ilaa inta xafiiskii Djabuuti ee Somaliland dib loo soo celinayo, markaas ayaanu arkaynaa in wax is-bedeleen iyo in kale”.

 

Safiirka Britain U Fadhiya Addis

Ababa Oo Booqasho Ku Yimi Somaliland

“Faransiis iyo Talyaani mid kastaa dadkiisii wuu wataa, laakiin idinku waad naga goosateen”

Hargeysa (Haatuf): Wefti Ingiriis ah oo uu hoggaaminayo Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Addis Ababa, Itoobiya ayaa shalay booqasho hawleed oo saddex maalmood ah ku yimi dalka.

Ambassador Myles Wickstead waxa socdaalkiisa ku weheliya Arrima-fuliyaha labaad ee Safaaradda Britain ku leedahay Addis Ababa Mr. Tony Berry iyo Owen Richards oo ka socda Xafiiska Arrimaha gudaha ee UK (Home Office).

Ambassador Wickstead waxa ku soo dhoweeyey madaarka Hargeysa masuuliyiin sarsare oo ka socdey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, habeenkii xalay-na waxa casho-sharaf ugu sameeyey hotel Maansoor Maayorka magaalada Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalla, taas oo ay ku kulmeen wasiirrada Arrimaha Gudaha, Ganacsiga, Warfaafinta, Xoghayaha Ururka UDUB iyo Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland.

Weftigan si rasmi ah daboolka loogama qaadin ujeedada booqashadooda oo ku soo beegantay xuska sannad-guuradii 42-aad ee ka soo wareegtey maalintii Somaliland madax bannaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska ee 26-ka June oo ku began maanta. Ma cadda in booqashada weftigu la xidhiidho xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 26-ka June, sida warar dhinaca dowladda laga helay ay sheegeen.

Danjire Wickstead oo cashada dusheeda ay hadallo kaftan iyo sheeko ah isku weydaarsanayeen odayaasha Guurtida ayaa isagoo sheegay in booqashadiisa Somaliland ay ahayd mid uu muddoba qorshaynayey, balse uu waqtigan doortay inuu yimaaddo.

Madaxa Hay’adda British-ka ah ee AET xafiiskeeda Hargeysa oo arrimaha weftiga la socda ayaa isaguna Haatuf u sheegay in booqashada weftigu ay tahay socdaal hawleed oo saddex maalmood ay dalka ku joogayaan, isla markaana ay kulamo la yeelan doonaan madaxda sare ee dalka oo uu ku jiro Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ahaa Odayaasha Guurtida ee casho-sharafta kula kulamay weftiga ayaa Danjiraha u sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadan, taas oo uu ku tilmaamay mid loo baahnaa.

“Jarmal, Faransiis iyo Talyanba dadkoodii way wataan, laakiin idinku (Ingiriis) waad naga goosateen oo waad naga cadhooteen goor aydin noo soo noqonba,” ayuu si kaftan ah X.Cabdi Xuseen ugu tuuray danjiraha, taas oo uu danjire Wickstead ka aamusay.

Weftigani waa kii labaad ee dowladda Britain u soo dirto Somaliland muddo bil gudaheed ah, iyadoo horraantii bishan ay booqasho ku yimaaddeen dalka Wefti milateri oo ka socda Britain.

Maanta Waa Sannad-Guuradii 42-Aad Ee Markii Ay Somaliland Xorriyadda Ka Qaadatay Mustacmarkii Ingiriiska

Hargeysa (Haatuf): Maanta oo bisha June tahay 26 waa Sannadguuradii 42-aad ee ka soo wareegtey markii Somaliland madax bannaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska oo ka talinaysey muddo 80 sanadood ka badan. Waxaana muuqda diyaargarow aad u yar oo ku wajahan xuska maanta gobannimada ee 26 June.

Xukuumadda ayaan gebi ahaanba magacaabin guddi heer qaran ah oo qaban-qaabisa xuska 26-ka June, mana jiro wax tabaabushe ah oo loo sameeyey dabbaal-degga.

Afhayeenka Madaxtooyada Mr.Cabdi Iddiris Ducaale oo aan xalay wax ka weydiinney qabanqaabada munaasibadda 26-ka June ee maanta,waxa uu sheegay in aanu jirin dabaaldeg la qorsheeyey, isla markaana aanu filayn isu soo bax sidii caadiga ahayd lagu qabanayo Khayriyadda oo uu Madaxweynuhu dadka kala qaybgalo. Waxa uu sheegay in laga yaabo in guurtidu ay ka hadlaan Khayriyadda.

“Sidii ay ahayd beryahan dambe habeennimada (caawa) ayaa madaxtooyada lagu qabanayaan xafladda xuska 26-ka June,” ayuu yidhi Cabdi Iddiris.

 

XORNIMADII LUNTAY

1884-kii Shir ay Baarliin ku yeesheen gumeystayaashii Reer Yurub ayaa waxay ugu qori-tuurteen Qaaradda Afrika oo lagu naanaysay “Qaaraddii Madoobeyd”, balse ahayd meel dihin. Gumaystayaashaas oo ay hormuud ka ahaayeen; Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Boortaqiiska iyo Isbaanishku waxay u beratemayeen dano iyo ujeeddooyin dhaqaale, siyaasadeed, istiraatijiyadeed iyo diimeed. Waqtigaas, Somaliland oo lahayd Ilbaxnimo iyo xadaarad la rumaysan yahay inay ka dhaxashay dowladdii Islaamka ee Cusmaaniyiinta iyo xidhiidhkii ganacsi ee faraaciyiintii Reer Masar ku iman jireen cidhifka geeska Afrika ee ay Somaliland ku taallo, waxa qoriga saamigu ugu dhacay Boqortooyadii Ingiriiska oo lagu magacaabi jirey “Boqortooyada aan Calankeeda Qorraxdu ka dhicin”, taas oo loola jeedo dunida gees ilaa gees in ay isku ballaadhisay.

Waxa taariikhdu qortay in dadka reer Somaliland ay hangool farraaro leh iskaga qabteen Gumaystaha Ingiriis markii uu geyiga soo galay, shuruudo iyo cahdina lala saxeexday.

Iska caabbintaasi la kawsaday soo gelintaankii gumaystuhu waxa ay ahayd mid aan marna damin marxalad kasta oo uu soo istaageyba ilaa uu jaanta isla helay halgan af iyo addinba leh oo lagaga soo horjeedo gumaystaha. 1950-neeyadii ayaa Afrika oo dhan uu ka bilaabmay dhaqdhaqaaq gobanimo doon ah oo ay horkacayeen jiilkii waxbartay ee Afrika u kacaamay waqtigaas. Somaliland sida dalalkii Afrikaanka waxaa ka abuurmay ururro gobanimo doon oo ay ugu door-roonaayeen SNL, NUF iyo USP. Kuwaasi oo la jaanqaaday ololihii xornimo u dirirka ahaa ee socday.

Si kastaba ha ahaatee, 26-kii June 1960-kii ayaa Boqortooyadii Ingiriisku Somaliland siisay xornimadeeda, calankii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelatona laga taagey Hargeysa, iyada oo DDjabuuti ay weli baaqi ku ahayd gacanta Faransiiska oo gumeysan jirey, Soomaalida koonfureedna waxa Talyaaniga kala wareegey Qaramada Midoobey oo toban sannadood oo xornimo-gaadhsiin ah gacanta ku hayey. Somaliland waxay xornimadeeda Ingiriisku hibeeyey 1958-kii markii Ergo Odayaal reer Somaliland ah oo tegey London ay Ingiriiska kula garnaqsadeen dhulkii Hawd iyo Reserve Area la odhan jirey oo uu ku wareejiyey Boqortooyadii Xayle-salaase ee Itoobiya, taas oo xad-gudub ku ahayd axdigii Somaliland iyo Ingiriiska u yaaley.

Hase yeeshee, Somaliland kuma sii waarin xorriyaddaas. Afar maalmood oo keli ah markii ay madax bannaanayd ayay ku biirtay Soomaaliya waxaana 1-dii July lagu kulmiyey Muqdisho munaasibadda madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimadii Somaliland iyo Soomaaliya. Waxana ay ku sifowdey Somaliland sidii uu ku sifeeyey wargeys ka soo baxay London 31-kii June oo ciwaan far-waaweyn ah ku qoray “MAXMIYADDII XORRIYADDA DIIDDEY”. Waxa xorriyaddaas lagu tuuray god qaatay soddon sannadood in lagaga soo saaro.

 

Dad Ka Cabanaya Maamulka Dawladda Hoose

Ee Hargeysa Oo Xarunta Wakiiladda Hortegay

 

Hargeysa (Haatuf):  Dad ay tiradoodu gaadhayso ilaa kontameeyo qof oo ka mid ah dadka dan-yarta ah ee ka wax ku iibsada suuqa bacadlaha ee ku yaal jiidda dhismaha qabyada ah ee loo yaqaan guriga xisbiga ayaa shalay ash-kato ay kaga cabanayaan maamulka dawladda hoose ee Hargeysa la hor tegey Xarunta Golaha wakiilada, wuxuuna shirgudoonka wakiiladu arintaa dadkaa u xil-saaray guddi-hoosaadka arimaha gudaha ee Golaha wakiilada, waxayna guddigaasi dadkaa ku qaabileen hoolka shirarka ee Xarunta wakiilada , halkaas oo ay ku dhegaysteen cabashadooda , ka dibna ay kula hadleen.

Dadkaasi waxay ku cawdeen inay yihiin dad dan-yar, sidaa darteed awoodi kari waayey inay bixiyaan lacag ay dawladda hoose ku soo rogtay dadka meheradaha ku leh suuqa bacadlaha dhismaha xisbiga si loogu dhiso guryo cusub, iyadoo ay dadkaasi ka cabsi qabaan inay dawladda hoose meesha ka rarto oo ay ka baabi’iso dhismayaal san-daqado u badan oo ay hadda ku jiraan maadaama aanay bixin karayn lacagta ay dawladda hoose ka rabto.,isla markaana waxay dadkaasi si ba’an ugu cawdeen inaanay dawladdu hoos u eegin duruuftooda ee ay dusha ka saartay lacag aanay bixin Karin.

Toddoba mudane oo ka mid ah guddi-hoosaadka arimaha gudaha ee Golaha wakiilada oo ay magacyadoodu kala yihiin : Maxamed Jaamac X. Cilmi, Maxamuud Axmed Barre (garaad), Maxamuud Xaashi Cabdi , Ismaaciil Mire Maxamed , Maxamed Col-haye Barre , Cabdi Warsame Faarax iyo C/qaadir Jaamac Cilmi ayaa dadkaa oo uu ka muuqday dareen cadho lihi ugu horayn dejiyey, kuna waaniyey inaanay ku talaabsan wax xasiloono daro keenaya , mar labaadkana ku war-geliyey inay arintani tahay arin maamul oo aanu Golaha wakiiladu maamul ahaan u faro gelin karin, laakiin waxay guddigaasi dadka hortooda ka ballan-qaadeen inay cabashadooda u gud-binayaan wasaaradda arimaha gudaha , ayna ka dal-ban doonaan inay arinta wasaarad ahaan deg-deg wax uga qabtaan , xubno guddigaa ka tirsan ayaana goor dambe Hatuf u sheegay inay wasiirka arimaha gudaha arinta dadkaa si dhakhso ugu gud-bin doonaan si uu wax uga qabto. 

Dadka cabashada la hor tegey Xarunta Golaha wakiilada waxay sheegeen inay ka socdaan ilaa 120 meheradood oo ah dadka dan-yarta ah ee iska bixin kari waayey lacagta ay dawladda hoose ku soo rogtay inay bixiyaan dadka meheradaha ku leh suuqaa si loogu guri cusub, iyadoo ay warar xog-ogaal ah oo arintaa ku saabsani tibaaxeen in ku talo galka dawladda hoose yahay in hadii ay dadkaasi guuri waayaan laga dumiyo meelaha ay hadda ku jiraan oo awoood lagaga raro meesha, talaabadaana laga yaabo inay dawladda hoose ku dhaqaaqdo inta u dhexaysa maanta ilaa beri (26-ka ilaa 27-ka) , iyadoo ay mudanayaasha Golaha wakiilada ee dadkaa la kulmay dareen wer-wer leh ka muujiyeen in hadii ay dawladda hoose isku daydo inay wax rarto ama wax dumiso , iyadoo aanay dadkaasi ku qanacsanayn inay taasi keeni karto rabshad iyo xasilooni daro.

Sida ay sheegeen wararka la xidhiidha qadiyadda dhismaha guryaha cusub ee suuqa bacadlayaasha dhismaha xisbiga waxay dawladda hoose meheradiiba saartay lacag gaadhaysa ilaa 1300 U.S. dollar, taas oo ay dadka cabashada la hor-tegey Xarunta Golaha wakiilada ku cawdeen inay tahay lacag xaddi-dhaaf ah oo aanay sinaba u awoodi Karin , iyadoo ay dadkaa qaarkood aaminsan yihiin in hadii ay dawladda hoose halka ay leedahay lacagta keena anagaa dhisaynee ay tidhaahdo qof kastaa qolkiisa ha dhiso uu kharashka qolka dhismihiisa ku baxayaa intaa ka yaraan lahaa oo aanu ka bateen 700—800 oo dollar , taas oo laga yaabo inay qaar dadkaa ka mid ahi wax dhisan kari lahaayeen, waxaase jira tuhun ku saabsan inuu dul-saar jiro, laakiin waxa la sheegay inaanay dad badan oo dadkaa ka mid ahi si kasta oo ay lacagta laga rabaa u yar tahay waxba awoodi Karin haba yaraatee , iyadoo ay dadkaasi sheegeen inay halkaa deganaayeen laga soo bilaabo sannadkii 1995-kii ilaa mudadaana ay bixin jireen cashuurta dawladda.  Sidaa darteed dadkaasi waxay cabashadooda gunaanad uga dhigeen inay dawladdu arintooda hoos u eegto oo loo sameeyo laba arimood mid uun : in loo daayo meelaha ay hadda ku jiraan ee ay kala soo baxaan nolol maal-meedka iyo inay dawladdu iyadu dhisto guryaha ka dib-na ay ka kirayso sidii la arki jirey bay yidhaahdeen,laakiin bay yidhaahdeen ay talaabadani tahay mid luminaysa naxariistii ay dawladooda ka mud-naayeen dadka dan-yarta ahi .

Sabtidii toddobaadkan ayuu maayarka Hargeysa Cal Cilmi Cabdalle xadhiga ka jaray ilaa 114 guri oo ah dhismayaasha cusub ee bacadlayaasha suuqa dhismaha qabyada ah ee xisbiga loo yaqaan, wuxuuna maayarku munaasibadaa ka jeediyey hadal uu si ba’an ugu cambaaraynayo dadka maamulkiisa dhaliila, isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay dadka abtirsiimo ahaan ka soo jeeda qabiilka Isaaqa oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad xun.

 

Shir Wasiirada Arrimaha Dibedda Ee Dalalaka Islaamka Oo Ka Furmay Suudaan

Khartuum (W. Wararka) – Shir ay ku kulmeen wasiirada arrimaha dibedda ee 54 dal oo xubno ka ah ururka dalalka islaamka ayaa maalintii shalay ka furmay caasimada dalka Suudaan ee Khartuum.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxay wasiirada dalalka Islaamku isla soo qaadi doonaan arrimo ay ka mid yihiin xidhiidhka u dhaxeeya dalalka islaamka iyo reer-galbeedka, qaddiyadda reer Falastiin iyo arrimaha ka taagan meelo badan oo ay deggan yihiin dadka muslimiinta ahi.

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo furitaankii shirkaasi khudbad ka jeediyay ayaa ugu baaqay dalalka islaamka, inay wada-hadallo la yeeshaan dalalka reer-galbeedka, si loo soo celiyo sumcadda islaamka oo ay aragti kale ka bixiyaan reer-galbeedku tan iyo markii ay dhaceen weeraradii loo geystay Maraykanka 11-kii September 2001, taas oo wax weyn ka beddeshay is-fahamka labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibeddeba ee Qatar oo hadda haysta guddoomiyenimada ururka islaamka oo isna ka hadlay furitaankii shirka ayaa ku baaqay in la sameeyo suuq ganacsi oo ka dhaxeeya dalalka islaamka.

Waxaa kale oo shirka ka hadlay xog-hayeyaasha guud ee ururada Jaamacadda Carabta, dalalka Saaxilka iyo Saxaraha, ururka islaamka iyo qaar ka mid ah wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka ku jira ururka islaamka, kuwaas oo dhammantood ku baaqay inay lagama maramaan tahay iskhaashi dhexmara dalalka islaamka iyo inay meel uga soo wada jeestaan arrimaha iyaga khuseeya.

Qarax Ka Dhacay Xarunta

Tareenada Ee Magaalada Diridhaba, Itoobiya

Diridhaba (BBC) – Dhismaha xarunta tareenada ee xidhiidhiya Djibouti iyo Itoobiya ee magaalada Diridhaba ayuu qarax ka dhacay habeen hore, kaas oo waxyeelo aan weynayn gaadhsiiyay dhismaha xarunta oo uu soo gaadhay burbur waxoogaa ahi.

Sida uu sheegay war ka soo baxay xafiiska nabad-sugidda socdaalka iyo arrimaha qaxoontiga ee Itoobiya, qaraxaasi waxa uu burburiyay qayb ka mid ah dhismaha xarunta tareenada Diridhaba oo qiyaastii 520km xagga Bari ka xigta magaalada Addis Ababa.

Waxaa kale oo la sheegay inuu qaraxu waxyeelo u geystay tareen yaalay xarunta dhexdeeda, balse wax khasaare ah oo uu geystay lama sheegin.

Inkasta oo uu qaraxaasi dhacay, haddana waxaa lagu soo warramayaa inay hawsha isku socodka tareenadu ay caadi tahay, wax hakad ahina aanu ku iman.

Xafiiska nabad-sugidda ee magaalada Diridhaba ayaa ugu baaqay dadka inay soo sheegaan ciddii ay tuhmaan, iyada oo uu socdo baadhitaan ku saabsan ciddii ka dambaysay qaraxan oo aan ilaa iyo hadda caddayn.

Wadada xadiidka ah ee isku xidha Djibouti iyo Itoobiya oo la dhisay 1897-1917-kii, waxa ay halbawle u tahay isku-socodka labada dal, qaraxyo noocan ah ayaana hore uga dhacay, kuwaas oo ay dawladda Itoobiya ku eedaysay ururka OLF oo ay leeyihiin Oromada mucaaradka ahi.

 

Madaxweynaha Ruushka Oo Markii U Horreysay Qirtay Eedda Dagaalka Jejniya

 

Moscow (W. Wararka): Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, ayaa maalintii shalay markii ugu horeysay ku eedeeyay dawladda Ruushka qaybta ay ku leedahay dagaalada iyo dilalkii ka dhacay Gobolka Koonfureed ee Jejniya, wuxuuna sabab uga dhigay in ay dawladda Ruushku shicibka Jejniya u riixday dhinaca kooxaha siyaasadoodu fog tahay iyo kuwa reer Jejniya ee dagaalka kula jira Midowga Raashiya.

Hadalkan wuxuu Madaxweynaha Ruushku ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay guriga Kremlinka ee looga taliyo Ruushka. Shirkan Jaraa’id ee Putin oo socday laba saacadood, wuxuu u soo jeediyay shicibka Jejniya hadal uga garaabaya dhibaatadii soo gaadhay muddadii uu Jejniya ka socday iska horimaadka kooxaha reer Jejniya iyo ciidamada Ruushka, waxaanu yidhi; “Dawladdu waxay ku guul-daraysatay in ay daryeesho danaha dadka reer Jejniya.” Kooxaha u doodda xuquuqda Bani-aadamka, ayaa ku eedeeyay Ruushka in ay ku dileen Jejniya, ilaa 1.000-qof oo Rayid ah tan iyo intii ay ciidamada Ruushku dib-u-galeen Jejniya saddex sannadood ka hor.

Madaxweynaha Ruushku, wuxuu hadalkiisaa shalay ku sheegay in shaqaaqooyinka ka aloosan Jejniya ay istaagi doonaan dhammaadka sannadkan 2002, wuxuuna intaa ku daray in ay dadka reer Jejniya, iyagu gaadhi doonaan heer ay isku difaacaan.

Laakiin Jejniya oo ay dagaalyahanadu ku dilaan celcelis ahaan askari ama laba askari oo Ruush ah maalin walba kama muuqato meel dhib yar xal loogu heli karo khilaafka ka aloosan.

Madaxweynaha Ruushka Putin oo hadda badhtamaha kaga jira, afartii sanno ee loo doortay Madaxweyne-nimada Ruushka, wuxuu waxoogaa horumara ka sameeyay dib-u-dhiska dhaqaalaha Ruushka.

Shirkan Jaraa’id, wuxuu Putin ku sheegay in xidhiidhka dawladda Shiinaha iyo Ruushku uu sameeyay Horumar, waxaanu diiday in hogaamiyaha reer Falastiin Yaasir Carafaat laga qaado kaalinta uu kaga jiro hogaaminta Qadiyadda reer Falastiin.

FAAQIDAADDA DUNIDA

Siciid I. Guraase

Maxaa Laga Ogyahay Mushkiladda

682 Jirsatay Ee Muranka Kaashmiir?

Mushkiladda 682-jirsatay ee muranka Kaashmiir oo u dhexeeya dalalka Hindiya iyo Baakistaan, ayaa toddobaadadii u dambeeyay cirka isku shareeray, iyadoo ay dawladaha labadaa dal marar badan foodda is-dareen dagaal la xidhiidha muranka gobolka Kaashmiir.

Muranka Kaashmiir oo soo taxnaa intii uu dhexaysay 1320 – 2002-ka, waxa tan iyo muddadaa si is-daba-jooga ah u socday isku dayo lagu doonayo in mushkiladdaa xal loogu helo, laakiin wuxuu noqday laf-dhuun gashay oo uu ladhkeedu kolba soo kacayo, taas oo aan ilaa hadda wax maaro ah loo helin mushkiladda daxalaysatay ee muranka Kaashmiir. Hase yeeshee, su’aasha meesha taal waxay tahay, sidee buu ku yimi muranka gobolka Kaashmiir, maxaase ilaa hadda xal loogu waayay khilaafka dami-waayey ee Hindiya iyo Baakistaan, laakiin si aynu su’aalahaa uga jawaabno Horta aynu u eegno waayihii taariikheed ee uu gobolka Kaashmiir soo maray iyo inta marxaladood ee isu bedelay.

Gobolka Kaashmiir wuxuu ku yaallaa goob Juqraafi ahaan istiraatijiyad ah, wuxuuna u dhexeeyaa badhtamaha iyo Koonfurta Aasiya, isla markaana wuxuu xuduud la leeyahay afar dal oo kala ah; Hindiya, Baakistaan, Afgaanistaan iyo Shiinaha. Marka la isku darro Gobolka Kaashmiir oo dhan bedkiisu wuxuu gaadhayaa 86023 ml2. Sannadkii 1949-kii ayuu qaybsamay gobolka Kaashmiir oo kala raacay dalalka Hindiya iyo Baakistaan, dhinaca ay Hindiya gacanta ku haysaa, wuxuu bedkisu gaadhayaa 53665ml2, waxaana lagu magacaabaa Jaamu iyo Kaashmiir. Dhinaca ay Baakistan gacanta ku haysaana, wuxuu bedkiisu gaadhayaa 32358ml2, waxaana loogu yeedhaa Kaashmiirta Xorta ah. Waxaa iyaduna jirta qayb yar oo Shiinuhu qabsaday 1962-kii, laguna magacaabo Aksaay Tishiin.

Marka la eego tirada dadka ku nool Kaashmiir way kala duwan tahay, tirada laga hayaa iyadoo ay isku khilaafsan yihiin Hindiya iyo Baakistaan oo midiba tiro ku sheegto, tiro-koob ay soo saartay Hindiya 1981-kii, waxay ku sheegtay tirada dadka ku nool Kaashmiir 6-malyuun oo qof oo u kala qaybsan Muslimiinta oo ah 64.2%, Hindooska oo ah 32.25%, Siinga-siingaha oo ah 2.23%, iyo inta kale oo isugu jirta Buudiyiin, misiixiyiin iyo qawmiyaddo yaryar oo kale, balse warbixino ka horeeyay ayaa ka dhigayay tirada reer Kaashmiir 4-malyuun oo ay muslimiintu yihiin 77%, Hindooskana 20%, dadka kalena 3%. Dhinaca kalena, tira-koob ka soo baxay dhinaca Baakistaan ayaa ka dhigaya tirada guud ee reer Kaashmiir 13.5-malyuun oo qof, iyadoo ay 8.5malyuun ku noolyihiin qaybta Hindiya haysato, 2.5malyuunna ay raacsan yihiin dhinaca Baakistaan, inta kalena ay ku faafsan yihiin dalalka dibadda. Laakiin, waxaa la isku raacsan yahay in ay Muslimiintu yihiin aqlabiyadda dadka ku nool Kaashmiir.

Taariikh ahaan, gobolka Kaashmiir muddo 5 Qarni ah ayay muslimiintu gacanta ku hayeen, taas oo ah intii u dhaxaysay 1320 – 1819-kii, waxaanay arrintani ka bilaabantay markii uu sannadkii 1320-kii muslimay maamulihii Kaashmiir oo la odhan jiray Buudi Riinshaan oo ay taasi ku raaceen dad badan oo ka mid ahaa shicibkiisii uu Madaxda u ahaa, markaas oo uu Islaamku ku faafay gobolka Kaashmiir, taas oo keentay in ay dadka ku nool Kaashmiir ay badankoodu noqdaan Muslimiin.

Kadib waxaa qabsaday Ingiriiska oo sannadkii 1846-kii, gacanta u geliyay maamulayaashii Hindooska iyo Siinga-siingaha, kuwaas oo gacanta ku hayay 1947-kii.

Sannadkii 1947-kii markii uu Ingiriisku ka baxay dhulweynihii Hindiya oo u kala qaybsamay Hindiya iyo Baakistaan, ayuu soo jeediyay in ay dadka reer Kaashmiir kala doortaan midka ay raacayaan dalalka Hindiya iyo Baakistaan. Laakiin, labada dal waxaa ka dhex bilaabmay khilaaf ku saabsan cidda xukumaysa Kaashmiir, taas oo keentay inuu dagaal ka dhex qarxo labada dal sannadihii 1947 – 1948-kii, markaasi oo la galay dedaal Caalamiya oo lagu dhexdhexaadinayo labada dal, kaas oo ay hormood ka ahayd Qaramada Midoobay oo soo jeedisay in Afti laga qaado dadka reer Kaashmiir ama in loo qaybiyo laba qaybood, iyadoo gobolada ay muslimiintu u badan yihiin la raacinayo Baakistaan, gobolada ay u badan yihiin Hindooguna la raacinayo Hindiya, balse arrintaasi laguma guulaysan.

Sannadkii 1965-kii ayay haddana labada dhinac mar kale dagaal iskaga hor yimaadeen, kaas oo la xaliyay xabad-joojinna laga gaadhay, markii waan-waan laga dhex bilaabay labada dhinac.

Sannadkii 1971-kii ayay haddana mar kale xaaladdu cirka isku shareertay, markaas oo uu socday dagaal u dhexeeyay Baakistaan iyo Gobolkii loo yaqaanay Baakistaanta Bari oo markii dambe gooni u go’ay, lana baxay dalka Baangaladheesh oo haatan xor ah, Baakistaan ayaana ku eedaysay markaasi Hindiya in ay taageerayso Baangaladheesh.

Dhinaca kalena, waxaa jiray Jabhado reer Kaashmiir ah oo iyaguna u dagaalamaynay xornimada Kaashmiir, kuwaas oo ahaa laba qaybood; qayb halganka ka waday gudaha Kaashmiir iyo qayb Saldhigyo ku lahayd Baakistaan, kuwaas oo qayb ka ahaa khilaafka iyo dagaalka u dhaxeeyay labada wadan ee Jaarka ah.

Muddadaa waxaa kale oo socday dedaal ku saabsan in la soo afjaro muranka ka taagan Kaashmiir, iyadoo labada dhinac la isugu keenay wada-hadalo badan oo dhacay marar kala duwan, sida sannadihii 1953, 1955, 1960, 1962, 1963, 1972 iyo kuwo kale oo ka dambeeyay, balse laguma guulaysan in la soo afjaro muranka Kaashmiir.

Xurguftan u dambaysay ee haatan taagan oo bilaabantay 13-kii Diisambar 2001, markii ay koox hubaysani weerartay baarlamaanka Hindiya oo eediisa ay Xukuumadda Hindiya dusha ka saartay Baakistaan oo iyaduna dhinaceeda beenisay in ay wax lug ah ku lahayd, ayaa keenay inuu soo noollaado murankii Kaashmiir, labada dal ayaana iskaga horyimid dagaalo goos-goos ah, iyadoo xiisaddu cirka isku shareertay. Taasina waxay muujisay in ay weli taagan tahay, cabsida laga qabo dagaal buuxa oo dhexmara labada dal oo haatan haysta hubka Nukliyeerka ee halista ah.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

 

Haybtaada Caydeedu Waa Hooto Kugu Taal

Annagoo tix-raacayna khudbaddii maayorka Hargeysa ee 18 May, kana dhacday fagaaraha Khayriyada, laguna faafiyay wargeysyada madaxa-bannaan, khudbaddaas oo dadweynihii dhegaysanayay aad iyo aad uga biyo-diideen intii wargeysyada ka akhridayna ku noqotay u qaadan waa, taas oo aanu mayor Cawl ka bixin wax dadka raali geliya ilaa maanta.

Waxaa dhacday in 22/6/2002 khudbad labaad oo uu jeediyay mayor Cawl, taas oo xambaarsanayd cay qabiil, xidhiidhna la lahayd khudbaddii hore ee Cawl.

Marka xaal sidaa ka noqday Maayorka, waxay nala noqotay in aanu aragtiyada ka dhiibano arrimahan uu caadaystay maayorku.

Waxaa khudbaddan Cawl ku cad in uu sumcad kaga doonayo madaxweyne Rayaale, mana filayno in uu raali kaga noqdo madaxweynuhu arrimahan uu caadaystay maayorku. Ta labaad wuxuu doonayaa Cawl inuu iyagoon is arag colaad isku geliyo maamulka cusub ee madaxweyne Rayaale iyo beesha u Cawl maalin walba caayayo, isaga oo ku hadlaya magaca dawladda.

Sidaa darteed waxaanu ka codsanaynaa in uu madaxweyne Rayaale aanu ka raali noqon meel-ka-dhaca maayorka, kana bixiyo raali-gelin, isla markaana tallaabo ka qaado, isla markaana ogaado in maayorku cayda qabiil ku daboolaayo dhaliilaha maamulkiisa ee ka jira D/Hoose ee Hargeysa.

Cawlna waxaanu leenahay “Haybtaada caydeedu waa hooto kugu taal.”

C/raxmaan Abiib Axmed,

Yaasiin Mataan Abtidoon,

Hargeysa.

Madaxweyne Shacabku Waxay Kaa Sugayaan Wax Lagu Qanco

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladdiisuba waligoodna may rabin, mana rabaan dal la yidhaahdo Somaliland. Waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii loo dumin lahaa qaranimada Somaliland ee qiimaheedu ku fadhiyo dhiig loo daadshay iyo dal u soo burburay. Jabuuti waxay ahayd dalkii caaddifiyadda ay shacabka reer Somaliland ugu heesi jireen " WAAR BAL ILA JIID WAA JABUUTI JIDKII GOBANIMO KU JOOGTE. " Erayadaa quruxda baddnaa iyo hiilkii  badheedhka ahaa ee uu shacabka reer Somaliland u soo galay Jabuuti maxaa ka dambeeyay? taliska Jabuuti abaal marintiisii ma waxay noqotay in dadka reer Somaliland  ay u soo qab qabtaan, taliskii macangagga ahaa ee  Siyaad Barre? waxaa caddayd dadkii dilka ka baxsanaayay  wakhtigaas in magangelyada ay taliska Jabuuti u diidi jireen. xadkana ku soo daadin jireen. Aduunkana lagama sameeyo banii’aadam-nimadana waa ku xaaraan inaad qof  ku soo magansaday aad magantiisa diiddo. Taliska Jabuuti miyaanay ahayn dalkii laba sannadood ka hor, duminta Somaliland u soo adeegsatay hadhaagii Siyaad Barre ama Kooxda Carta? Waa la wada og yahay, Taliska Jabuuti dunuubta iyo godobtaay ka galeen qaranka Somaliland iyo shirqoolada ay ku hawlanyihiin illaa haddadatan la joogoba. Waxa meesha ka socda, waayeelna waa ogyahay nacasna loo sheegimaayo!

Waxaa aad dad badan uga yaabisay, qaxootiga reer Somaliland ee ka diiwaangashan dalka Jabuuti. Cajiib!!! Maxaa qarsoon ee ka dambeeya sheekada qaxootiga ee hadba laba wasiir ay ugu dhoofayeen dalka Jabuuti. Miyaanse lala socon in wafdi Carab ah , ra’iisal-wasaaraha kooxda Carta Xasan Abshir iyo Jamaac Cali Jaamac " ex Puntland president" ay ku sugan yihiin dalkaa Jabuuti.

Waxay su'aasha laga sii yaabay noqotay bal madaxweyne Rayaale maxay tahay faa'iidada uga muuqatay inuu si deg deg ah ugu dhoofo Jabuuti? ma se ka warqabay in ay ku sugnaayeen wakhtiga  Jabuuti Xasan Abshir, Jaamac Cali Jaamac iyo wafdiga Carbeed? Cajiib! Casuumaddan se Jabuuti ee sidaas u degdega ahi maxay tahay?

Mudanow madaxweyne, waxa lagaa sugayaa warbixin lagu qanci karo. Waxaa lagaa sugaya sheeko ka badan saxeex loogu dhoofo Jabuuti oo ah qaxooti ay Jabuuti u soo celinayso Somaliland.

Maxamuud A Raage

Toronto,Canada

“Shantaada Farood Ku Dhereg”


Ciise Warsame

“Shil in ay doqonniimo tahay,

Haddii shaki kaaga jiro,

Shu’ayso waxaan ku faro;

Shinnidu malab bay dhigtaa,

Waxay shirixyada rarytaba,

Iyadoon kala sheegan bay,

Jiilaalkii shifaysataa,

Dadyow tuban shaaricyada,

Shollaha wada marada dhigay,

Shisheeye wax laga sugaa,

Naf baahan ma shaafidee,

Shantaada farood ku dhereg”


Hogaanka Dalku Waa Cusub Yahay Ee Yaan Lagu Deg-Degin

Ilaa iyo markii ay dalka Djabuuti u kicitimeen weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland inay dadka arimaha siyaasadda daneeya iyo dadka caadiga ahiba aad isugu mash-quuliyeen inay wax ka ogaadaan safarkaa iyo arimaha la xidhiidha, iyadoo lagu kala aragti duwanaa.

Waxayna su’aalaha la is-waydiinayey ahaayeen, muxuu safarkan kediska ah ee Djabuuti iyo maxaa laga fa’iidayaa, taas oo ay dadka intooda badani kaga jawaabaysay ujeedada safarka Cidii aynu diranay baa og, natiijadana Illaahay ayeynu ka baryeynaa inay noqoto mid khayr leh.

Hadaba markii uu weftigu soo noqday ee ay inoo warameen af iyo qoral-ba ayaa haddana weli si siyaasiya looga doodayaa safarkaa iyo wixii lagala soo kulmay, taas oo la leeyahay maxaynu guul kala kulanay safarkaa.  Hase yeeshee aniga iyo dad kale oo badan oo ila feker ahiba waxaanu u aragnaa in laga soo hooyey guul iyo wax dan u ah labada dhinac-ba, waxaana heshiiyey laba dal oo walaalo ah oo muddo dheer khilaaf dhex yiilay, taas oo dhinac diimeed iyo dhinac dad-nimoba waajib ah inay heshiiyaan laba dal oo isku af iyo isku diin ah oo Somali ah.

Waxa la furay xuduudkii labada dal, waxaana furmaya isu socodkii ganacsiga iyo dadka. Waxa kale oo lagu heshiiyey in la joojiyo dacaayadihii la kala fidin jirey.  Sidaa darteed guusha intaa ka weyn ee keeni lahaa hogaamiye cusub oo uu socdaalkani yahay kiisii ugu horeeyey ma garanayo, ma Djabuuti ayuu tuurta inoogu soo qaadi lahaa.  Balse hadii aynu hoos ugu daadeg-no inta loo khuurinayo oo ah ictiraaf lama keenin, taana waxaan leeyahay waa run oo dawladda Djabuuti kuma ay dhawaaqin ictiraaf, laakiin waxay cadaysay inay si gaar ah ula dhaqmayso Somalilaand oo uu yahay dal aanay sinaba u kala maar-mayn, taas-na waxa loo arki karaa iftiimin is-bedel siyaasi ah, intaa ka dibna waxa la wada saxeexay heshiis laba dawladood ah oo intaas ayaaba ah ictiraaf ilaa xad ah.

Anigu waxaan muddo saddex sannadood ku dhow ka mid ahaa maamulka dawladda Somaliland, balse weli maan arag heshiis cid lala galay oo nala soo hordhigay, hadiise laga tegi waayo waa jireen warbixino afka ah oo nala siiyo marka ay wefti debedaha ka soo laabtaan, kuwaas oo aan iyana maqalkaa dhinac-na u dhaafi jirin, dhinaca kalena waxaan ka mid ahay mucaaradka aniga oo ka tirsan ururka ASAD, sidaa darteed iminkana hadii ay noqoto in wax la naqdiyo kama madh-ni. Ta kale hadii aan tusaale u soo qaato waxyaalo ay rag madax ahi Joornaalka ku qoreen oo guubaabo u ekaa iyo arintan aan wax ka qoray waxay noqon kartaa Baroortu ceesaanta ka weyn, waaxaanse odhan lahaa arintu sida ay doonto ha ahaato, laakiin hogaanka dalku waa cusub yahay ee yaan lagu deg-degin.

Maxamuud Cumar Aw-Nuur, Hargeysa

 

WAADIGA CIYAARAHA

Garsoorka FIFA Oo Noqday Cillad Dunida Wada Taabatay

 

Harg (Haatuf) :- Laba arrimood waa lama huraan inay ka dhacaan koob kasta oo adduunku isugu yimaado. Ta hore waa fadeexad ka dhalata qaybinta iyo maamulka tigidhada ciyaaraha lagu galo, ta labaadna waa muran iyo ismaan-dhaaf ka dhasha saraakiisha garsoorka ciyaaraha.

Inkasta oo aad arkayso in marba marka ka dambaysa ay sii badanayaan yax-yaxa iyo gafafka ka soo shaac-baxaya, haddana hawluhu waxay ku sii socdaan sidii hore, gaar ahaan koobka adduunka ee 2002, ayaa u muuqda mid aan dhabadii ka leexan, inkasta oo khaladaad xad-dhaaf ahi ka muuqdo.

Markii labadii toddobaad ee ugu dambeeyay tartanka ay wargeysyadu qaadaa-dhigeen, ayay istaagtay fadeexaddii musuq ee tigidhadu, hase yeeshee warbaahintu waxay markale diirada saareen garsoorka.

Haddaba su’aasha dad badani is-weydiinayaani waxay tahay, maxaa keenay in cid waliba la yaabto sida hadda wax u dhacayaan?

Dadka su’aashaa is-weydiinayana waxaa ka mid ah tabobarihii Brazil ee badhtamihii 1998 ee koobka adduunka. 61-jirka khabiirka ah ee Mario Zagallo, wuxuu aad u xiisaynayaa dhacdadaa.

Isaga oo ka hadlaya qiso waqti hore dhacday oo uu daba-socdo, markii ciyaaryahanka Cafu kaadh lagu siiyay kubbad loo dhigay oo laad xora ah, iyada oo lagu macneeyay inuu kubadda raajiyay. Kaadhka oo lagu siiyay Cafu ciyaartii wareega labaad oo dhex-martay iyaga iyo Denmark, waxay keentay inuu fadhiyo kulankii wareega siddeeda oo ay Holland la yeesheen.

Zagallo, wuxuu sheegay inaan arrinta garsoorayaashu mid hadda cusub ahayn ee muddo soo jiitamaysay.

Markii dhacdhadaasi soo baxday, Zagallo wuxuu qaddimay dacwad, laakiin lagama hoos qaadin, taas oo keentay inuu ciyaartoygiisa kula taliyo inay is dhawraan.

Xiddigii hore ee reer Brazil, ayaa hadda fursad u helay inuu markale ka hadlo dhacdooyinka garsoorka, wuxuuna yidhi; “Runti maan fahmin taa, ciyaartoygu waxay sameeyaan ficillo ka xun-xun kii Cafu, lamana ganaaxo. Waxaan arkaa marar badan oo kaadhka cas lagu bixiyo bilaa macne, iyo ficil cawaaqib xumo keena oo aan xataa kaadhka huruuda ah lagu bixin…iimana muuqato wax derejo ah oo lagu kala saaraa.”

Afar sannadood kadib ayaan wax is-beddel ahi ka muuqan.

Sannadkii 1998, ayuu Guddoomiyaha FIFA Sepp Blatter ku dhawaaqay in la gaadhay waqtigii la adeegsan lahaa garsoor ku xeel-dheer sharciga.

Sidoo kale, agaasimaha horumarinta FIFA, Mr. George Cumming oo u warramay wargeys bile ah oo FIFA leedahay, ayaa sharaxaad ka bixiyay in guddida garsoorku ku dhaqaaqeen in ay soo  xuleen 36 garsoore oo ay ku soo doorteen khibrad iyo aqoon heer caalami ah, awoodna u leh inay dhex-dhexaadiyaan koobka adduunka, laakiin isla cadadkii wargeyskaa, waxaa ku qornaa xaqiiqada warkaa, iyada oo 36-ka garsoore ee la soo xulay laba keli ahi ay ku xeel-dheer yihiin wax kasta oo ka mid ah shuruucda kubadda cagta.

Labadaasi waxay kala yihiin, Graham Poll oo Ingiriis ah oo shaqeeyay wareegii koowaad oo keliya, dibna aan u soo noqon iyo Byron Moreno oo Ecuador u dhashay, kaas oo isna dhex-dhexaadiyay ciyaartii carqaladda badani ka dhalatay ee South Korea iyo Italy.

Moreno, wuxuu iska joojiyay liiskii garsoorayaasha shaqaynaya ee garsooridda kubbadda cagta, wuxuuna bilaabay inuu arday u noqdo barashada sharciyada. Wuxuu sheegay inay xusuustii kaga luntay afar tartan oo uu dhexdhexaadiyay sannadkii 2001.

Guddoomiyaha FIFA, ayaa abaal-marin siiyay ninkaa garsooraha ah, markii ciyaartu dhammaatay. Waxaa muuqatay inuu ku saxsanaa markii uu dibedda u saaray Francesco Totti, oo khiyaamo ku kacay iyo diidmadii laba gool oo Talyaanigu dhaliyay, kahor intii aanay Korea 2-1 kaga badin waqtigii dheeraadka ahaa.

Waxaa la iska gartay in dedaalkiisii ay dhabar-jab ku keeneen labada calan-wale ee Michael Ragoonath oo u dhashay jasiiradaha Trinidad iyo Tabago, iyo garsooraha reer Masar ee Jamal Ghandour, oo saamayn weyn ku lahaa in Isbaanishku waayo kaalinta wareega ugu dambeeya (semifinal).

Ragoonath, oo calan-wale u noqday Ghandour ayaa ku fashilmay ciyaartii Isbaanishka, kadib markuu calanka taagay kahor intii aanu dhalan goolkii dahabiga ahaa ee Fernando Morients.

Ragoonath, ma ahayn garsooraha keliya ee ka socda qaarada Laatiin Ameerika ee baal-maray sharciga garsoorka.

Peter Prendergast, oo Jamaica u dhashay ayaa isna diiday gool uu Brazil ka dhaliyay Marc Wilmot oo Belgium u ciyaarayay, isaga oo ku macneeyay inuu riixay difaaca Brazil ee Roque Junior, kahor intii aanu goolka dhalin.

Isku soo wada duuboo, waxaa caddaatay in khaladaadka intooda badani ka timi calan-walayaasha oo doonaya inay ciyaaraha hoggaamiyaan, iyada oo cajaladdii ciyaaraha oo lagu soo celiyay ay taa ka marag-fureen.

Intaa kadib, ayuu Sepp Blatter go’aansaday inuu isagu dib u soo xulo garsoorayaasha ciyaaraha wareega afarta iyo wixii ka dambeeya.

Jarmalka Oo U Soo Gudbay Ciyaarta Kama-Dambaysta Ah

Seoul (Reuters) – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Michael Ballack, ayaa noqday geesiga Germany, kadib markii uu kulankii shalay wadankiisa u dhaliyay goolkii guusha ee ay kaga adkaadeen wadanka martida loo ahaa ee Korea.

Germany oo markii shanaad kama-dambaysta yimi siddeedii tartan ee ugu dambeeyay, ayaa soo af-jaray rajadii ay Korea ka qabtay koobka. Guul-darrada kooxda ku dhawaatay inay u gudubto ciyaarta ugu dambaysa , ayaa keentay in kooxda Yurub ka dhur-sugto kulanka ay la yeelanayso ta soo badisa Brazil iyo Turkiga oo maanta wada ciyaaraya.

Germany oo aan culaysyo badan ku keenin difaaca Korea, ayaa ahaa mid aad u habaysan oo kalsoonidii ka qaaday tabobare Guus  Hiddink, laakiin waxaa muuqatay fursado badan oo labada dhinacba lugtooda ku lumiyeen.

Korea ayaa laba weerar oo khatar ah ku qaaday goolka Germany daqiiqadihii (8-17aad).

Weeraryahanka Bayer Leverkusen ee Oliver Neuville, ayaa daqiiqaddii 30aad khatar geliyay goolka Korea, sidoo kale Miroslav Klose, oo weerar ku ekeeeyay ayaa kubbad madax khatar ku geliyay.

Korea, oo waayo-aragnimo loo sheegtay, ayaa khatar joogto ah Germany ku haysay, balse waxaa wacdaraheedii noqdeen waxba kama jiraan.

Si kastaba ha ahaatee ciyaaryahanka Michael Ballack, oo kulankii horena la baxsaday dalkiisa, ayaa markale guul u horseeday kulankii shalay. Daqiiqaddii 75aad ayuu u dhaliyay fursad cadaadis badan oo uu markii labaad goolka ku rogaal-celiyay.

Michael Ballack, oo loo aqoonsaday xiddigii ciyaarta ee shalay, maaha markii ugu horraysay ee uu goolal u dhaliyo qarankiisa. Kulankii furitaanka ee Sucuudiga ayuu gool ka dhaliyay.

“Senegal Waxay Soo Laabanaysaa Iyada Oo Sidan Ka Adag”

khalilou Fadiga

Osaka (Reuters) – Ciyaaryahanka khadka dhexe Khalilou Fadiga, ayaa ku faanay in Senegal sidan ka fiicnaan doonto marka la gaadho koobka adduunka ee soo socda, kadib markii ay si yaab leh kor ugu fanatay kaalinta siddeeda (quarter-final).

“Waxaanu soo noqonaynaa afar sannadood gudahood annagoo sidan ka xoog weyn,” sidaa waxa yidhi furaha khadka dhexe ee Fadiga, oo wax laga weydiiyay sida xaalku u dhacay markii Turkugu ka adkaaday.

Ciyaaryahanka Senegal, wuxuu sheegay inuu waxoogaa calool-xumo ah ka qaaday markii ay ku guul-darraysteen inay noqdaan kooxdii ugu horraysay ee African ah ee gaadha kaalinta afarta, hase yeeshee wuxuu muujiyay siday ugu dhawaadeen inay rikoodh cusub gaadhaan, iyada oo ay bilowgiiba taariikhda galeen.

Fadiga wuxuu noqday udub-dhexaadka Senegal oo kaga yaabisay dunida markii ugu horraysay ee ay koobka adduunka timaado. Waxay garaacday Faransiiska oo koobka adduunka haysta iyo weliba Sweden oo ay wareegii labaad ku jiidhay. Ciyaarta waxay ku joojisay kaalintii ay Kameroon gaadhay sannadkii 1990.

Fadiga, wuxuu kulan fiican ku tilmaamay ciyaartii ay la yeesheen Turkey oo Senegal ku legeday gool dahabi ah oo uu dhaliyay weeraryahanka Ilhan Mansiz. Wuxuu kaloo tilmaamay in ciyaarta Senegal sumcaddoodu ku faaftay ilaa Bariga fog.

“Aad baan ugu faraxsanahay awooda shakhsiyadeed ee aan gaadhay koobkan,” ayuu ku daray 27-jirka reer Senegal.

Fadiga oo ka jawaabaya su’aal uu ka war-wareegay oo ku saabsan sidii loogaga adkaaday kulankii Sabtidii hore dhacay, wuxuu yidhi; “Waanu xusuusanahay sumcaddayadu inay ku noolaatay tartankan, mana joojin doono manaanu joojin, balse waxaa dhacay nasiib.”

Kabtanka Senegal Aliou Cisse, ayaa isna sheegay inay tartanka ku guulaysan doonto kooxda ugu adkaysiga badani, isaga oo intaa ku daray in Turkiga oo ka adkaysi badnaa ay u suurto-gashay inuu ugu-dambayntii gool ka dhaliyo.

“Wax kasta waanu samaynay, fursaduhuna way adkaayeen, kuwaanu helnayna kamaanu faa’iidaysan. Waa nasiib, laakiin habeenkaa waxaa na heshay koox adag oo leh ciyaartoy jidhkoodu dhisan yahay,” sidaa waxa yidhi kabtan Aliou.

El Hadji Diouf, oo ku sigtay marar kala duwan inuu goolal dhaliyo ayaa isna ku raacay inaan kulankaa kooxdu jidh ahaan u fiicnayn siday ahaan jirtay.

Diouf, wuxuu intaa ku daray inuu ka niyad-jabay natiijadii ciyaartaa oo uu ku tilmaamay mid nasiibkoodu xumaa.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Lens ma dafirin in kulankaa laga farsamo badnaa.