Haatuf, Cadadki 104, June 28, 2002

Dawladda Britain Ma Leedahay

Siyaasad Cad Oo Ku Wajahan Somaliland?

Shir-jaraa’id –  Safiirka Britain u fadhiya Itoobiya

Hargeysa (Haatuf): Weftigii Ingiriiska ahaa ee booqashada ku joogay Somaliland ee uu hogaaminaya Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya oo uu fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa Mr. Myles Wickstead, ayaa shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaarada Warfaafinta ee JSL (Ex Radio Hargeysa), wuxuu kaga jawaabay su’aallo laga weydiiyay dhinacyo badan.

Ambasador Myles, isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd; Weftiyo badan oo hore u yimid Somaliland, sheegayna in ay yihiin xaqiiqo-raadis, hase yeeshee aan intooda badan wax natiijo ahi aanay ka soo bixin Safaradooda, waxa uu kaga duwan yahay weftigoogani, wuxuu sheegay in uu arkay nabadda ka jirta Somaliland iyo in ay ka dhici doonaan Doorashooyin, weftiganina ay warbixin u gudbin doonaan Wasiiradooda ay arrintani khuseyso ee fadhiya London.

Su’ aasha kale ee la waydiiyay Ambasador Myles, waxay ahayd in uu ururka Midowga Yurub isla soo qaaday xaaladda Somaliland, markaa fikirka ay dawladiisu ka dhiibtay markii ay EU ka hadlaysay wuxuu ahaa, waxaanu ku jawaabay in aragtidoodu ay ahayd in arrinta Koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland noqoto mid ku xidhan kala doorasho (Option) oo ay Koonfurta Soomaaliya arrimahooda wada-hadalo ku dhammaystaan marka ay soo heshiiyaan ay wada-hadalo la yeesheen Maamulka Somaliland, waxaanu rumaysanahay in go’aaminta mustaqbalka Soomaalidu uu yahay mid iyaga ku xidhan, qaabka uu noqonayo xidhiidhkoodu mustaqbalka,” ayuu yidhi Danjiruhu.

Mar uu ka jawaabayay Mr. Myles, su’aal ahayd in uu qeexo Siyaasadda dawladda Ingiriiska ee ku aaddan Somaliland, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo oo ay ka soo dhex baxdo wada-hadalada laba dhinac, Siyaasadda xidhiidhka ka dhexeeya laba dhinac, wuxuuna intaa ku daray inuu marka uu ku noqdo July, dalka Ingiriiska uu ka la hadli doono Wasiiradda, sidii loo asteyn lahaa Siyaasadda dawladiisa ee ku aaddan Somaliland.

Mr. Tony Berry oo ka tirsan xafiiska Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska oo ka mid ahaa Weftiga Ingiriis ee saddex xubnood oo isagu uu la socday weftiga, si uu masuuliyiinta Somaliland ugala xaajoodo soo celinta dad magangelyo weydiistay dawladda Ingiriiska oo u Dhashay Somaliland, laakiin aanu Ingiriisku siin aqoonsi Qaxooti, ayaa shirkaa jaraa’id ee shalay ka jawaabay su’aal ahayd, sida uu arrintan ugala xaajoonayo Somaliland, arrinta uu u socdo mar haddii aanay dawladiisu aqoonsanayn Somaliland, waxaanu sheegay in arrinta ku saabsan aqoonsiga Somaliland ay tahay arrin siyaasiya oo aanu ka jawaabi karayn. Laakiin uu aragti ahaan rumaysan yahay in soo celinta Qaxootiga iyo aqoonsigu aanay ahayn laba arrimood oo isku xidhan.

Mr. Tony Berry, isagoo ka jawaabay sida ay dawladda Ingiriisku u masaysay soo celinta Qaxootiga Afgaanistaan iyo Somaliland oo ku kala duwan, xaga maal-gelinta oo hanti fara badan lagu maal-geliyay Afgaanistaan, halka aan Somaliland laga caawin arrintaa, wuxuu ku jawaabay in bulsho reer Somaliland ahi ay degen yihiin Cariga Ingiriiska, iyagoo Jaaliyadda Somaliland ee deggen Ingiriisku ay tahay mid aad u ballaadhan, muddo Qarni ku dhowaada ama kaba badnaa ay halkaa degen yihiin, laakiin arrintani ay khuseyso oo keliya tiro yar oo ka mid ahaa Qaxooti dhawaan ku soo butaacay Carigaa Ingiriiska, soo celintooduna aanu jecelahay in ay ku soo beeganto xilli ay dhaqaale ahaan iyo degenaansho ahaanba ay Qaabili karto dadkaa la soo celinayo oo aanay tiradoodu badnayn.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya, Mr. Myles Wickstead wuxuu shirkaa Jaraa’id ku sheegay in safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa, Itoobiya ay tahay halka dawaladda Ingiriiska u qaabilsan la socoshada arrimaha Somaliland, halka safaaradda Nayroobi ee Ingiriisku ay u xilsaaran tahay la socoshada arrimaha ka socda Koonfur Soomaaliya.

Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftiga Safiirka Britain U Fadhiya Itoobiya

“Shacbigayaga laguma soo qaadi karo midnimo Soomaaliyeed”

Daahir Rayaale

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka dawladda Britain u fadhiya dalka Itoobiya Mr: Myles Wickstead, iyadoo Madaxweyne Rayaale dhiniciisa uu kulankaa ku weheliyey Madaxweyne-kuxigeenkiisa mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wasiirkiisa arimaha debedda Maxamed Siciid Gees, halka safiirka dhiniciisana ay weheliyeen xog-hayaha arimaha siyaasadda ee safaaradiisa Mr: Owen Rickards iyo Mr: Tonny Berry oo ah sarkaal sare oo waaxda socdaalka u qaabilsan wasaaradda arimaha gudaha ee dawladda Britain , waxayna labada dhinac (Madaxweyne Rayaale iyo Danjire Myles )  ka wada hadleen arimo la xidhiidha qadiyadda Somaliland iyo kaalinta ay ku yeelan karto dawladda Britain , iyadoo ay Somaliland ka mid tahay mustac-maradihii ay boqortooyadii Ingiriisku gumaysan jirtey.

Sida uu sheegay war-saxaafadeed uu af-hayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale soo saaray kulankaa ka dib waxa uu safiirka Britain ugu horayn kulankaa ka tibaaxay ujeedada uu Somaliland u yimi waqtigan xaadirka ah waxa ay tahay, taas oo uu ilaa saddex arimood madashaa kaga dhawaaqay, kuwaas oo kala ah: Xog raadin ku saabsan xaaladda Somaliland sida ay tahay si buu yidhi aan ugu war-geliyo dawladayda xaqiiqada ka jirta dalkan iyo ta labaad oo ah inay dawladda Somaliland ka wada hadlaan arin ku saabsan dadka Reer-Somaliland ee qaxotiga ku ah dalka Britain , laakiin aanay ilaa hadda dawladoodu siin aqoonsiga qaxootinimada  iyo qododbka saddexaad oo ah sidii dadka aqoonta leh ee ku nool dalka Britain ee doonaya inay iskood ugu soo laabtaan dalkooda hooyo loogu diyaarin lahaa waxyaalaha aasaaska nolosha ee ay uga baahan yihiin gudaha dalkooda marka ay go’aansadaan inay soo noqdaan.

Madaxweyne Daahir Rayaale oo jawaab ka bixiyey arimaha uu Danjire Myles soo bandhigay ayaa ugu horayn yidhi  “Waxaad dawladaada (dawladda Britain) noogaga war-geysaa inaan shacbiga Somaliland lala soo qaadi Karin ku laabasho midnimo somalida koonfureed ah, anaguna shacbiga rabitaankiisa ayaanu fulinaa, iyaga ayaana shacbigu go’aansaday la soo noqoshada xoriyadooda sannadkii 1991-kii, waxayna ku soo af-jarantay u codayntii aftida dastuurka oo ay ogolaadeen 97%, sidaa awgeed mar hadii ay noo dhan yihiin shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga qaranimo waxaad naga gaadhsiisaa dawladaada oo aanu ka codsanaynaa arimahan ”  ayuu yidhi Madaxweynuhu , laakiin , isaga oo tilmaamaya arimaha ay dawladda Britain ka dal-banayaan ee ay rabaan inuu dan-jiraha xaqiiqo raadiska ahi ka gaadhsiiyo waxa uu mudane Rayaale soo qaaday qoddobo dhawr ah , wuxuuna yidhi; “In ay dawladiinu gacan naga siiyaan arinta aqoon-siga iyo inta ka horaysa aqoonsi helidda aynu yeelano xidhiidh toos ah.  Sidoo kale waa inay gacan naga siiyaan ku biiridda ururka barwaaqo soorranka iyo inay naga taakuleeyaan arimaha kala ah: arinta doorashooyinka, xayiraad ka qaadista dhoofka xoolaha, kaabayaasha dhaqaalaha, Waxbarashada, caafimaadka iyo arimaha kale ee wadanka horumarkiisa wax ka geysanaya”.

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu jawaab ka bixiyey mawqifka dawladiisa ee arinta dadka qaxootiga ah ee ay dawladda Britain damac-san tahay inay dalka dib ugu soo celiso, wuxuuna yidhi “ Arinta qaxootiga ilaa dalku noqdo dal macaamilkiisu u furan yahay adduunka wax qaxooti ah oo lagu soo celiyaa hadalkeedu ma yaal waayo intii horeba waxay ku joogaan bara-kac, wax camal ah oo abuuranina aanu jirin, maadaama aanay caalamkuna caawimadii aanu uga baahnayn ee tooska ahayd waxba naga soo gaadhsiin”.

Intaa ka dib Dan-jire Myles, ayaa mar kale hadalka qaatay si uu jawaab uga bixiyo arimaha uu Madaxweyne Rayaale ka hadlay, wuxuuna ugu horayn qiray inuu aad ugu bogey wax-qabsiga muuqda ee ay Somaliland ku talaabsatay sida: Xasiloonida iyo maamulka ka hirgalay dalka, isla markaana waxa uu taariikh lama ilaawaan ah ku tilmaamay iyo inay socodka dimoqraadiyadda Somaliland marag fur u noqotay isbedelkii la yaabka lahaa ee ka dhacay ka dib geeridii Madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum: Maxamed X. Ibraahin Cigaal , kaas oo buu yidhi aan wadamo badan oo adduunka ah ka suurta galeen, waxayna taasi noqotay buu yidhi arin indhaha adduunka u soo jeedisay dhinaca Somaliland, “Anaguna waxaanu qirsanahay inaanay suurta gal ahayn inay dib u soo noqonayaan wixii jirey 1991-kii ka hor ” ayuu yidhi Dan-jire Myles , laakiin wuu sii hadalka, wuxuuna yidhi “Waa arin aanu ku adag-nahay deganaan-shaha iyo xasiloonida Somaliland inaanay cidina waxba yeelin, waxaanuna ballan-qaadaynaa fariintan dhinacyada badan leh ee aanu idinka helay inaanu gaadhsiin doono dawladayada , isla markaana waxaanu kuu xaqiijinayaa in codsigiina la dhegaysan doono” ayuu Dan-jire Myles ku yidhi Madaxweyne Rayaale.

Dan-jire Myles iyo weftigiisu waxa ay dalka yimaadeen salaasadii juun 25, 2002, waxayna sheegeen in sababta ay imaatinkooda ugu soo beegeen waqtigan ay tahay inay ka qayb galaan xuska 26-ka juun ee sannad-guuradii 42aad ee markii ay Somaliland madax-banaanida ka qaadatay Mustac-markii Ingiriiska, wuxuuna intii uu dalka joogay ka qayb galay munaasibado door ah oo ay ka mid tahay munaasibadii xuska 26-ka Juun oo uu kala qayb galay dadka Reer-gebilay, furitaankii huteeelka cusub ee Ambassador oo la furay Arbacadii doraad, isla markaana waxa uu soo booqday meelo ay ka mid yihiin degmada Gebilay , iyadoo uu degmada Gebilay kulamo kula yeeshay madaxda maamulka iyo duqayda degaankaa , isla markaana sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf waxa weftiga Dan-jiraha loogu qaabilay degmada Gebilay si balaadhan , iyadoo ay weftiga dan-jiruhu ka qayb galeen kulan lagu qabtay Xarunta dawladda hoose , halkaas oo ay dadka Reer-gebilay dareenkooda ugu gud-biyaan weftiga dan-jiraha, waxaana la hadlay madaxda degmada oo uu ka mid yahay maayarka Xasan X. Yuusuf iyo xubno ka tirsan dadweynaha , kulankaa ka dibna waxa isla maalintaa oo ahayd 26-kii Juun casuumad qado ah ku qaabilay Mr: John Drysale oo ah xeel-dheere ay dhalashadiisu tahay Ingiriis , laakiin magaalada Gebilay.

 

Danjirahadawladda Britain u fadhiya Addis Ababa, Mr: Myles Wickstead waxa uu sheegay inay tahay markii u horaysay ee uu Somaliland booqasho ku yimaado, wuxuuna dalka ka baqoolay gelinkii dambe ee shalay.

“Baanka Adduunku Wuxuu Ogolaaday In

Aynu Macaamil Maaliyadeed La Samayn Karno”

Wasiirka Maaliyadda

 

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Maaliyadda ee dawladda Somaliland, Xuseen Faarax Dooddi oo dhawaan ka soo laabtay dalka Lubnaan oo uu kaga qayb-galay shir uu qaban-qaabiyay Baanka Adduunku, ayaa sheegay in Baanka Addunku ogolaaday inuu Somaliland la yeesho xidhiidh macaamilo oo dhinaca maaliyadd ah.

Wasiirka Maaliyadda oo shalay warbixin ku saabsan socdaalkiisii Lubnaan siiyey wargeyska Haatuf, wuxuu sheegay inuu ka qayb-galay shir ay qaban-qaabadiisa lahaayeen Baanka Adduunka, Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Hay’adda Caalamiga ah ee lagu magacaabo IDA, kaas oo uu xusay in lagu martiqaaday Wasiirada Caafimaadka iyo Wasiiradda Maaliyadda ee dalalka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika oo laysku yidhaahdo MENA, kuwaas oo ay xubin ka ahaan jirtay dawladdii Soomaaliyadii hore.

“Anaga waxaa na casuumay oo shirka qabtay Baanka Adduunka iyo IDA. Ujeedadda aanu u tagnayna waxay ahayd dardar-gelinta xidhiidhka dibadda oo go’aan dawladeed ahayd iyo sidii aanu ula kulmi lahayn dadka halkaa isugu yimi, siiba Baanka Adduunka.” Sidaa waxa yidhi, Wasiirka Maaliyadda. Wuxuu intaa ku daray oo uu sheegay inuu la kulmay Madaxda Baanka Adduunka ee shirkaa timi, kuwaas oo uu xusay in ay ka mid ahaayeen Guddoomiye-xigeenak Baanka oo isla markaana u qaabilsan Baanka dalalka laysku yidhaahdo MENA iyo Saraakiil kale oo qaybaha Baanka ka tirsan. Xuseen Dooddi, wuxuu sheegay in ay masuulliyiintaa Baanka ee ay la kulmeen ay ogalaadeen in ay Somaliland la sameeyaan xidhiidh macaamil maaliyadeed ah.

“Ilaa xad, waxay nala gaadheen oo ay na yidhaahdeen, Falastiin-ba waanu la macaamilaaye, sidee baannaan idiinla macaamilin,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Maaliyaddu, isagoo arrintaa ka sii hadlaya wuxuu yidhi; “Markii aanu sharaxnay nabadda dhulkayaga ka jirta, ee naloo wada markhaati furay, wuxuu naga ogolaaday Baanka Adduunku in aynu macaamil maaliyadeed kala xidhiidh karno, inagoon ictiraaf haysan.” Mar wax laga weydiiyay Wasiirka, siday taasi suuro-gal u noqon karto ee laysugu halayn karo, iyadoo aan Somaliland weli la aqoonsan, wuxuu ku jawaabay; “Anaga waxay na yidhaahdeen, xidhiidhka waanu idiin ogolnahay, laakiin dee bal waynu arki inta aynu isla gaadhno.”

Kulankaas oo ku qabsoomay magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan, socdayna muddo 8-maalmood ah, Ajandaha ugu weyn ee lagaga hadlay wuxuu ahaa mid ku saabsan Maal-gelinta caafimaadka dalalka laysku yidhaahdo MENA, waxaana siduu Wasiirka Maaliyaddu sheegay ka qayb-galay wasiiro badan oo kuwa caafimaadka ee dalalkaas ah iyo Wasiiradda Maaliyadda ee dalalka MENA qaarkood. Xuseen Dooddi, wuxuu xusay in shirku isla qaatay in aan la simin dalalka dhaqaalaha leh iyo kuwa dhibaatadu haysato.

“Waxa la ogolaaday in dalalka dhibaatada gaarka ahi haysato, si gaar ah loolla dhaqmo oo dhaqaale gaar ah la siiyo, si Cusbitaaladooda iyo caafimaadkoodaba dib loogu habeeyo.”

Xuseen Dooddi, wuxuu xusay intii uu halkaa joogay in ay la kulmeen Madaxdii kale ee shirkaa ka qayb-gashay. Wuxuuna inta ku ladhay in Madaxda ay la kulmeen uu ka mid ahaa, Wasiirka Maaliyadda ee dalka Suudaan, kaas oo aanu ku ballanay ayuu yidhi; “In ay Somaliland iyo Suudaan, xidhiidh yeeshaan.” Waxaanu intaa raaciyay in ay suuro-gal tahay inuu wefti Somaliland ka socdaa dhakhso u tago Suudaan.

Wasiirka Maaliyaddu, waxa uu sheegay in sidoo kale ay la kulmeen Madax Hay’adda Caafimaadka Adduunka ka socotay oo shirkaa ka qayb-galay, kuwaas oo uu tibaaxay in ay kala hadleen arrimo ku saabsanaa xayiraadda dhoofka xoolaha saaran. Mar aanu arrintaa wax ka weydiinayna, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi; “Arrinta xoolaha meeshaanu ka sheegnay, hay’adda WHO-na waanu kala hadalay. Markaa WHO, waxay nagu yidhaahdeen, dhawr goor baanu dawladda Sucuudiga la soo qaadnay oo ay hay’adaha Caalamiga ahi u caddeeyeen in aanay wax cudur ah oo xoolaheenu qabaan jirin. Markaa waxay nagu yidhaahdeen, arrintaa mar labaad baanu Sucuudiga kala xidhiidhaynaa.”

Dad Ka Cabanaya Dawladda Hoose Ee

Hargeysa Oo Shalay Is-Hortubey Madaxtooyadda

Hargeysa (Haatuf): Koox ka mid ah ganacsatada yaryar ee suuqa Xisbiga ee magaalada Hargeysa, ayaa bannaanbax ay kaga cabanayaan daewladda hoose ee Hargeysa, shalay ka hor sameeyey xarunta Madaxtooyada.

Dadkaas oo ilaa 50 qof gaadhaya oo isugu jira, waxa ay meherado yaryar oo kala duwan ku haystaan suuqa Xisbiga loo yaqaano, waxana ay ka soo horjeedaan go’aan ay dawladda hoose ku soo rogtay oo ah in meherad kasta oo suuqaas ahi ay bixiso lacag dhan US$ 1,300 (kun iyo saddex boqol oo doollar), si ay dadkaasi u helaan guryo ay ka ganacsadaan oo ay dawladda hoose ka dhisayso suuqaas, meheraddii lacagtaa bixin weydana la dumin doono.

Ganacsatadaasi, waxa ay cabashadooda hore u gaadhsiiyeen Golaha Wakiillada oo ay sidoo kale is-hortubeen Salaasadii, Goluhuna waxa uu u saaray guddi cabashadooda wax ka qabata.

Hase yeeshee, shalay oo ahayd maalintii ugu dambeysay muddadii dadkaasi loo qabtay in ay amarkaa u hoggaansamaan, ama ay ka guuraan suuqa, ayay is-hor-tubeen Qasriga Madaxtooyada, si ay cabashadooda u gaadhsiiyaan Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa. Waxaana dadkaa la hadlay cabashadoodana dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane C/llaahi Cumar Cige.

Mudane C/llaahi, waxa uu u sheegay dadkaas in ay dib ugu noqdaan meheraddahoodii, suurta-galna aanay ahayn in cagaf lagaga burburiyo meheradahooda, sida dawladda hoose ugu hanjabtay dadkaas.

“Dad farabadan oo waxyaabo loo baahnaa aan qaban karayn ayay ahaayeen dadka cabanayay ee meesha yimi,” sidaa waxa yidhi Wasiirka, Mudane C/llaahi Cumar Cige oo Wargeyska Haatuf uga waramayay arrinta dadkaasi.

Wasiirku waxa uu sheegay in dadkaasi ay ahaayeen, kuwa loogu tala-galay qaybta labaad ee dhismaha suuqa oo hadda la dhammeeyay, iyadoo qaybtii hore oo ka koobnayd 114-qol dhawaan la furay, laakiin dadkaasi ay iska bixin kari waayeen lacagta dawladda hoose ka rabto.

Wasiirku waxa uu sheegay inuu dadkas ku qanciyay in aanay jirin Cagaf lagu duminayo iyo in khasab lagu raro midna, iyadoo la siiyo meel kale oo ay degaan oo ay ku ganacsadaan mooyaane; “Waxaan ku idhi halkiinaa ayaad deganaanaysaan, wax la idinka duminayaana ma jirto,” ayuu yidhi.

“Dawladda Hoose-na, waxaan faray in Maayarku meesha tago oo arrintuna sidaa ku socoto,” ayuu raaciyay.

Wasiirka oo ka jawaabayay lacagta badan ee dawladda hoose ku soo rogtey dadkaas, waxa uu sheegay in cabashda ay dadku soo gaadhsiiyeen; “Laakiin ninka danyarta ah ee ganacsanaya ee aan lacagta awoodi karin, ma ah in la yidhaahdo ganacsan maysid,” ayuu yidhi Wasiirku, Mudane C/llaahi Cumar Cige.

Maalinta Xoriyadda Somaliland Ee 26-Ka Juun

 

Hargeysa (Haatuf):  Sannad-guuradii 42aad ee maalintii ay Somaliland xoriyadda ka qaadatay Somaliland, ayaa arbacadii doraad laga xusay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana xaflado loogu damaashaadayo maalinta 26-ka Juun lagu qabtay caasimadda Hargeysa iyo magaalooyin badan oo Somaliland ah, iyadoo ay meelaha khud-bado munaasibadaa ku saabsan ka jeediyeen masuuliyiinta heer qaran,  heer gobol iyo heer degmo.

Fagaaraha khayriyadda Hargeysa ayaa lagu qabtay isu soo bax ku saabsan munaasibadda xuska 26-ka Juun, waxaana halkaa dadka kala hadlay Madaxweyne-kuxigeenka mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, taas oo uu Madaxweyne-kuxigeenku farta ku fiiqay qiimaha ay munaasibadda 26-ka Juun u leedahay dadka Reer-Somaliland, isaga tilmaamay inay tahay maalintii u horaysay ee la taago Somaliyi leedahay, iyadoo ay 26-kii Juun 1960-kii madax-banaani ka qaadatay mustac-markii Ingiriiska, laakiin Madaxweyne-kuxigeenku waxa uu xusay inaanu dhiig badani ku daadan xoriyadii lixdankii , balse markii dib loogala soo noqonayey midnimadii Somaliyeed uu dhiig badani ku daatay, sida awgeed buu yidhi loo baahan yahay in adag loo ilaashado.

Madaxweyne-kuxigeenku waxa kale oo uu khud-badiisii fagaaraha khayriyadda kaga hadlay duruufaha maamul ee dalka ka jira, kuwaas oo uu qaar ka mid ah si gaar ah farta ugu fiiqay, isla markaana xusay inay xukuumad ahaan ku talo jiraan inay ugu horayn wax ka qabtaan meelaha ugu darran, sida buu yidhi cadaaladda oo kale.  Waxa kale oo uu Madaxweyne-kuxigeenku xusay xaaladda cusbataalka guud ee magaalada Hargeysa.

“Waxaanu ka bilaabaynaa oo inaanu wax ka qabanaynaa cadaaladda, xaaladda cusbataalka Hargeysa meel xun ayey maraysaa, mana arin saran dawladda oo qudha ee waa in dawlad iyo shicib-ba loo kaco” ayuu yidhi Madaxweyne-kuxigeenku.

“Dawladi waxa ay ku dhisantaa afar shay oo kala ah: Marka ay nimanka madaxda ahi cadaalad ku shaqeeyaan, marka ay nimanka tijaarta ahi wax u huraan dadka foroda ah, marka ay dadka cilmiga lihi cilmigooda u haniyeeyaan dadkooda iyo marka ay dadka masaakiint ahi Illaahay baryaan” ayuu yidhi Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin.

 Wasiirada Waxbarashada iyo war-faafinta Axmed yuusuf Ducaale iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ka mid ahaa madaxdii ka qayb gashay xafladdii fagaaraha khayriyadda ayaa iyaguna, halkaa ka hadlay, waxa kale oo is-na ka hadlay Maayarka Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalle.

Sidoo kale waxa habeenimadii ka dambaysay maalintii 26-ka juun madaxtooyada lagu qabtay xaflad kale oo iyana la xidhiidha damaashaadka 26-ka Juun, sidoo kalena sida uu ku soo waramay weiyahayaga Berbera waxa isla habeenimadaa khayriyadda magaalada Berbera, waxaana halkaa isugu soo baxay dadweyne badan, iyadoo halkaa lagu soo bandhigay bar-naamijyo suugaan ah oo ka turjumaya taariikhda ay leedahay maalinta 26-ka Juun, waxaana dadkii halkaa isugu soo baxay khudbad uu kaga hadlayno munaasibaddan u jeediyey maayarka magaalada Berbera Xasan X. Maxamuud ( Xasan-gadhweyne).

Dhinaca kale sida ay ku soo warameen weriyayaasha gobolada iyo degmooyinka ee Haatuf waxa munaasibadda 26-ka Juun looga damaashaaday magaalooyin badan oo dalka ah , sida ay weriyayaashu sheegeena waxa ka mid ah meelaha kale ee sida weyn looga xusay m munaasibaddan Burco, Berbera , Ceerigaabo , gebilay iyo meelo kale.

Madaxweyne Geelle Iyo Camru Muusa

Maxay Iska Yidhaahdeen Arrimaha Soomaaliya?

 

 

Djabuuti (Haatuf): Wefti uu hogaaminayo xog-hayaha guud ee jaamacadda carabta Camru Muusa ayaa 23-kii bishan aynu ku jirno ee Juun booqasho ku yimi dalka Jamhuuriyadda Djabuuti, waxaynu weftigaasi caasimadda Djabuuti wada hadalo kula yeesheen madaxda sare ee dawladda Djabuuti oo uu ka mid yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Si rasmi ah daboolka loogama qaadin wada hadalada dhex-maray madaxda Djabuuti iyo weftiga Camru Muusa. Hase yeeshee warar diblomaasiyadeed oo u dhuun-daloola kulamadii dhex-maray Madaxweyne geelle iyo xog-hayaha guud ee jaamacadda carabta Camru Muusa ayaa sheegay in qorshayaasha ama arimaha uu Ismaaciil Cumar Geelle kala hadlay Camru Muusa inay ka mid ahaayeen sidii looga hor tegi lahaa khatar uu Ismaaciil sheegay inay ku soo fool leedahay maamulka C/qaasin Salaad ee lagu naanayso “ Dawladda kooxda Carta” oo ah nidaamkii lagu soo dhisay shirkii uu Madaxweyne Geelle ku marti geliyey tuulada Carta ee dalka Djabuuti ,wuxuuna Madaxweynaha Djabuuti u soo jeediyey xog-hayaha guud ee Jaamacadda Carabta qorshayaal uu ka dal-baday inay dalalka Carabtu gacan ka gaystaan , isaga oo Ismaaciil Cumar Geelle xog-hayaha guud ee jaamacadda Carabta iyo weftigiisa u soo jeediyey inay taageero dhaqaale si deg-deg ah ugu fidiyaan maamulka C/qaasin Salaad Xasan ee loogu yeedho dawladda ku-meelgaadhka ah ee Somaliya ,isaga oo Ismaaciil sheegay inay dawladda khatari kaga soo fool leedahay kooxaha hubaysan ee mucaaradka ku ah , taas oo uu tilmaamay inay damac-san yihiin kooxahaasi inay dawladda C/qaasin ku qaadaan weerar balaadhan oo ay doonayaan inay kaga takhalusaan, taasina loo baahan yahay in laga hor-tago, laakiin wararku waxay intaa ku dareen inuu Madaxweyne Geelle xog-hayaha guud ee jaamacadda Carabta Camru Muusa war-bixinta ugu daray inay jiraan is-bahaysiyo kale oo, iyaguna dhinacooda ka hor-jeeda kooxaha diidan dawladda Carta, kuwaas oo uu mid yahay Jaamac Cali Jaamac iyo taageerayaashiiisa jooga Puntland iyo kooxo iyo shakhsiyaad kale oo ay ku jiraan rag siyaasiyiin waaweyni ahi oo , iyaguna jooga gobolada kale ee Somaliya oo uu ku tilmaamay inay hadda diyaar u yihiin inay ku biiraan is-bahaysiyada ka hor-jeeda dagaal oogayaasha diidan dawladda C/qaasin..

 

Dhinaca kalena Madaxweyne Geelle waxa uu xog-hayaha guud ee jaamacadda carabta hoga-tusaaleeyey inay Djabuuti tahay cidda keliya ilaalisa danaha ay dunida Carabtu ku leeyihiin man-daqadda geeska Afrika.

“Dedaalka ay Djabuuti ugu jirto isu keenista Somalida burburtay waxa uu ka hor-tag u yahay khatarta ay Itoobiya ku hayso degaamada Somalida iyo awoodeeda ku sii kordhaysa gobolka , arintaasna guul lagama gaadhayo hadii aanay dalalka Carabtu , gaar ahaan wadamada Khaliijku kordhinin taageerada maaliyadeed ee ay siiyaan dawladda Djabuuti ” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle , waxaana ka mid ahaa  hindisayaasha uu Madaxweyne Geelle hor-dhigay Camru Muusa inay dalalka Carabtu sameeyaan qorshe  dhaqaale oo lagu daboolo ama lagu maal-geliyo baahiyaha dawladda Djabuuti ,isla markaana la caawiyo dawladda C/qqsin .

Warar kale ayaa , iyaguna tibaaxay inuu Jaamac Cali Jaamac oo muddo ku sugnaa dalka Djabuuti ku hawlan yahay hub urursi si uu isaga caabiyo Cabdilaahi Yuusuf oo dhowaan cudud milateri kaga soo saaray dhulka maamul-goboleedka Puntland , gaar ahaan magaalada dekedda ah ee Boosaaso oo uu Jaamac muddo ka talinayey, waxayna wararka la xidhiidha dhaq-dhaqaaqa Jaamac Cali Jaamac tibaaxayaan in la rumaysan yahay inuu ku iro hub urursi , iyadoo ay wararku tibaaxayaan in ku talo galku yahay sidii guluf milateri loo gelin lahaa Cabdilaahi Yuusuf iyo kooxaha kale ee ka soo hor-jeeda dawladda C/qaasin, arintaana ay iska kaashadaan is-bahaysiyo uu ka mid yahay Jaamac Cali Jaamac iyo maamulka C/qaasin , iyada oo sida ay sheegeen warar laga soo xigtay is-bahaysiyadan cusub ay dhinaca kalena isku hallaynayaan taageerada dawladda Djabuuti.

 

Waxa kale oo ay wararku sheegeen inay Ismaaciil Cumar Geelle iyo Camru Muusa iskula qan-ceen in hadii ay Somalidu kala googo’do ay daciifayso awooddii Somalidu, taasina ay halis ku tahay ammaanka iyo danaha qoomiyadaha Car-beed, taas oo bay yidhaahdeen hadii ay baaba’do mid-nimada Soomaaliyeed laga yaabo inay dawladaha jaarka la ah ee Itoobiya iyo Kenya kala googoostaan dhulka Soomaaliyeed , arimahaana waxa la sheegay inuu Camru Muusa ku qanacsan yahay , uuna sheegay  inuu awoodiisa saari doono sidii uu madaxda Car-beed uga dhaadhicin lahaa inay aqbalaan wax ka qabashada arimahaa.

Waxa kale oo ay wararku intaa ku dareen in kulankaa lagu soo hadal qaaday xayiraadda dhoofka xoolaha Somalida, waxaana la tibaaxay inuu halkaa ka muuqday dareenkii horeba looga shaki qabay ee ahaa inay xayiraadda dhoofka xoolaha ee dalalka Carabtu la xidhiidho ammuur siyaasadeed oo ku saabsan qadiyadda ay dalalka Carabtu ku raadinayaan mid-nimo Soomaaliyeed, taasina ay tahay in meelaha qaarkood la saaro cadaadis dhaqaale.

 

Sida ay wararka arintaa la xidhiidhaa sheegayaan inuu hawl-galka Camru Muusa ee ku saabsan in la xoojiyo mid-nimada Soomaaliweyn ay taasi ka turjumayso istaraatijiyadda Masaarida ee ah in la helo dawlad Soomaliyeed oo xoog leh, cadowna u ah Ioobiya, taas oo la aaminsan yahay inay Masaaridu uga dan leedahay inay ku ilaashato danaha kaga xidhan biyaha webiga Niil.

Gaadhi Iyo Laba Nin Oo Laga Af-Duubay Jidka Isku Xidha Burco Iyo Laas-Caanood

 

Burco (Haatuf): Baabuur yar oo uu noociisu yahay MARK2 iyo laba Nin oo la socdey ayaa laga Af-duubay jidka laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Burco iyo Laas-caanood.

Sida uu Haatuf u sheegay sarkaalka tirsan ciidanka baadhista dembiyada ee C.I.D waxa uu baabuurkaasi ka yimi magaalada Laas-caanood, wuxuuna u soo socday dhinaca Burco, ka dibna niman dabley ah oo hubaysan ayaa ka af-duubay meel u dhexaysa labada tuulo ee Oog iyo Guumays.

Si cad looma aqoonsan dableyda af-duubka geysatay iyo sababta ay wax u af-duubeen.  Hase yeeshee waxa la filayaa inay dableydaasi ka soo jeedaan dhinaca degaamada gobolka Sool, taas oo dhinaca kalena la sheegay in labada Nin ee baabuurka lagu ad-duubay ay u dhasheen degaamada gobolka Sool.

Ilaa hadda lama oga meesha ay af-duubayaashu la tageen baabuurka iyo labada nin ee ay qafaasheen, waxaase inuu taliyaha aagga Bari ee ciidanka Qaranka oo uu fadhigiisu yahay Burco gobolka Sool ugu kicitimay xallinta wax ka qabashada arintaa.

Dhinaca kalena nin la odhan jirey Marxuum: Cabdi X. Muuse Geedi ayaa shalay lagu dilay duleedka bari ee magaalada Burco, taas oo uu sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Burco Liibaan Maaweel ay sababta uu ninkaasi u dhintay la xidhiidho muran dhinaca dhulka ah, dhulkaas oo beer ku taal duleedka madaarka waxa ku muransanaa nin ganacsade ah iyo koox askar ah, wuxuuna sarkaal booliska ka tirsani weriyaha Haatuf u sheegay inuu mid ka mid ah kooxda askarta ah ee dhulkaa ku muransanayd isu dhiibay booliska, waxaana ninkaa loo haystaa falkaa dilka ah. 

Maayar Ku-Xigeen Cusub Oo Loo Magacaabay Burco

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland C/llaahi Cumar Cige, ayaa Maayar ku-xigeen cusub u magacaabay magaalada Burco, kaas oo uu magacaabistiisa soo saaray Salaasadii toddobaadkan.

Sida lagu sheegay qoraal xeerka magacaabista, wuxuu Wasiirka Arrimaha Guduhu u magacaabay Maxamed Diiriye Aw Xayd inuu noqdo Maayar Ku-xigeenka cusub ee Duqa magaalada Burco, laga bilaabo June 25, 2002.

Qoraalkaa waxa kale oo lagu sheegay in Wasiirka Daakhiligu uu magacaabistan soo saaray, kadib markuu xaqiiqsaday in baahi loo qabo in isbedel lagu sameeyo Madaxda Degmada Burco, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxda iyo odayaasha arrintani khusaysay. Wasiirku waxa kale oo uu cuskaday magacaabistan, dastuurka iyo sharciga dhismaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobollada iyo degmooyinka.

Sida ku cad qoraal kale oo magacaabistan la socdayna, wuxuu Wasiirka Daakhiligu ku faray Badhasaabka Gobolka Togdheer inuu degdeg ugu hawl-galo, sidii si dhakhso ah xilka loogu wareejin lahaa Maayar Ku-xigeenka cusub.

Guddi-Beeleed Reer Boorama Ah Oo Hay’adda

COOPI Ku Eedeeyey Xad-Gudub Xuquuqda Aadamiga Ah

Boorame (Haatuf): Guddi beeleed 19 xubnood ah oo beesha Samaroon ee gobolka Awdal ah ayaa hayadda COOPI ku eedeeyey inay ku tacadido xuquuqda dadka muwaadiniinta ah, sidaana waxay ku sheegeen bayaan qoraal ah oo ay soo shalay ka soo saareen magaalada Booraame .

Bayaankaa oo uu weriyahayaga Boorame Maxamed Cumar noo soo diray waxay ku sheegeen inay hayadaasi ciidamada gobolka jooga u adeegsato cabudhinta dadka muwadiniinta ah ee ku dhaqan gobolka, iyaga oo guddigaasi baaqooda ku xuseen nin weriye oo dhowaan ay ciidamadu xidheen, ka dib markii uu daabacay war-bixin uu ku dhaliilayo wax qabadkeeda, weriyahaas oo ay sheegeen inaan xadhigiisa loo marin nidaamka garsoorka ee si qaldan loogu adeegsaday taliska booliska ee gobolka Awdal, arintaas iyo kuwa kale oo la mid ahna waxay guddigaasi ku tilmaameen inay tahay facaayil keeni kara xasilooni daro, sidaa darteed-na ay ururqda xuquuqda aadamiga u dooda gaadhsiin doonaan xad-gudubyada xuquuqda aadamiga ee ay hayadda COOPI kula kacday dadka muwaadiniinta ah ee gobolka.   

Dagaalo Ka Qarxay Mudug Oo 23 Qof Ku Dhinteen

Muqdisho (AP): Dagaal qadhaadh oo maleeshiyooyin qabaa’il, ku dhexmaraya deegaanka Gaalkacayo ee Soomaaliya, ayaa lagu soo waramay shalay in ay ku dhinteen 23-qof, 40 kalena ku dhaawacmeen.

In ka badan 300 oo maleeshiyo ah, kana soo kala jeedda beelaha Sacad, H/Gidir iyo Dir, ayaa arbacaddii tuulada Galool oo 700km waqooyi bari ka xigta Muqdisho, kana tirsan magaalada Gaalkacayo, iyada oo ay labada dhinacba isu adeegsadeen hubka cul-culus oo saarnaa ilaa Toban gaadhi oo kuwa tiknikada loo yaqaano ah.

Dadka rayidka ah, ayaa ka qaxay tuuladdaas, iyagoo nabadgelyo u raadsaday meelo ka baxsan dooxada.

Dagaalkaasi waxa uu maalin ka dambeeyay heshiis nabadgelyo oo ay salaasadii labadaa beelood ka gaadheen, gacan ku haynta tuulada Gelinsoor oo ka tirsan deegaankaas.

Khilaafkan waxa xuddun u ah, saddex nin oo lagu dilay arrin la xidhiidha Geel, waxaana lagu dhameeyay si dhaqan ah.

Xasan Faarax Barre iyo Cabdiraxmaan Ganey oo ka mid ah Maamulka magaalada Gaalkacayo oo raadiyow lagula xidhiidhay shalay, ayaa sheegay in dagaalku u sii socdo si habqan ah, taasina ay ku dhinteen afar qof, dhowr toddobaad ka hor.

Odayaasha qabaa’ilka, ayaa bilaabay wada-hadal ay isku deyayaan in mushkiladda ku soo afjaraan, kuwaas oo subaxnimadii shalay aan la isugu iman, iyadoo dhinaca kalena maleeshiyooyinku ay u muuqdeen kuwo dib isu urursanaya.

Falastiiniyiinta Oo Ka Horjeestay Xakameynta Deeqda Maraykanka Ee Madaxweyne Bush

 

Gaza (Reuters): Saraakiisha Falastiiniyiinta ah ee joogga Gaza, ayaa shalay gaashaanka ku dhuftay Barnaamij uu Madaxweynaha Maraykanku ku xanibay Deeqdii uu dalkiisu ku caawin jiray Falastiiniyiinta.

Saraakiisha reer Falastiin, waxay sheegeen in ay iska caabiyi doonnaan Cadaadiska arrintaa oo ay sheegeen in uu Madaxweyne Bush u saaray, si ay u badalaan hogaamiyahooda muddada dheer hormoodkau ahaa ee Yaasir Carafaat, si uu u xoojiyo Madaxweyne Bush qorshihiisa uu ku doonayo in Falastiiniyiinta loo sameeyo hogaamiye cusub oo aan ahayn Yaasir Carafaat, ayuu maalintii Arbacadii yidhi.

“Caawimada Maraykanka ee Falastiin, waxay noqon doontaa mid la jaan-qaada kolba sida ay Falastiiniyiintu ugu hogaansamaan, isbedelada iyo sida ay uga hortagaan Argagixisada.”

Wasiirka Maamulka Falastiin u qaabilsan Isgaadhsiinta Cimaad Al-Faluuji, ayaa isagoo ka jawaabayay soo jeedinta Madaxweyne Bush u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters, in uu qorshahan cusub ee Bush lid ku yahay tiirarka dimuqraadiyadda ee uu Maraykanku ku dhaqmo oo aan cidina xaq u lahayn in ay soo faro-geliso Arrimaha Gudaha ee Falastiiniyiinta.

Dawladda Maraykanku Maal-gelin toos ah kumay samayn Maamulka Falastiin, laakiin waxay u marisay malaayiin dollar Hay’adaha Deeqaha, si loogu qabto hawlaha Beni-aadannimo iyo kuwo horumarineed ee ka socda deegaanada Falastiiniyiinta.

Xanibaadan wuxuu Madaxweyne Bush kaga dhawaaqay shirka wadamada hore uga maray Wershadaha uga socda Kanada, saacad uun kadib markuu Carafaat ku dhawaaqay in la qaban doono doorashooyin cusub oo loogu tartamo hogaaminta Falastiiniyiinta, si uu uga tallaabsado diidmada Maraykanka ee hogaaminta Carafaat ee Falastiiniyiinta. Sahanka codbixinta oo laga qaaday gudaha Falastiiniyiinta, ayaa muujiyay inuu doorashooyinka Carafaat ku guuleysanayo.

Dhinaca kale, ciidamada Israa’iil ayaa qabsaday magaaladii 7aad ee Maamulka Falastiiyiinta Hebron oo ay dib u soo galeen tan iyo intii ay Falastiiniyiintu bilaabeen weerarada Isbiimeynta ah. Ugu yaraan 1,427 Falastiiniyiin ah iyo 548 Israa’iliyiin ah, ayaa ku geeriyooday tan iyo intii uu kacdoonka Falastiiyiintu bilowday September 2000, kadib markii ay burbureen wada-hadaladii loogu ololeynayay nabaddeynta Bariga Dhexe.

Wadamada G8 Oo $10 Bilyan U Qoondeeyay Baabi’inta Hubka Halista Ah

 

Calgary (Reuters): Wadamada 8-da ah ee hore uga maray xaga Wershadaha ee loo yaqaan G8 (Britain, Canada, France, Germany, Italy, Japan, Russia iyo United States) oo uu shir uga socdo magaalada Calgary ee dalka Kanada, ayaa shalay ku heshiiyay in lagu caawiyo baabi’inta hubka, sida ba’an wax u baabi’iya, lacag dhan 10-bilyan oo doollar.

Deeqdan waxaa lagu baabi’inayaa hub halisa oo yaalla Ruushka iyo wadamada kale ee hore uga tirsanaan jiray Midowgii Soofiyati, Maraykanka iyo wadamada ka mida Midowga Yurub.

20-ka bilyan ee doollar ee shirka wadamada G8 uga socda Kanada lagu go’aamiyay in waxa lagaga qabto yareynta hubka halista ah, waxaa 10-bilyan oo doollar bixinaysa dawladda Maraykanka, 10-bilyan ee kale waxaa bixinaya 7-dal ee kale ka midka wadamada G8.

Mashruucan ujeedadiisu waxa weeye baabi’inta hubka halista ah oo uu ku jiro kuwa Nuyukleerka ah, ujeedadda labaad ee mashruucani, waxa ay tahay in hubka halista ah laga hortago in aan gacanta u gelin kooxaha argagixisada ah ee dunida.

Deeqdan wadamada G8 ee baabi’inta hubka halista ah, waxaa Arbacadii shaaca ka qaaday, Ra’iisal-wasaaraha Talyaaniga Mr. Silvio Berlusconi, laakiin waxaa si kama dambeysa loo dhameeyay Khamiistii.

 

Ambasador: Hotel Caalami Ah Oo Laga Furay Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Hotel weyn oo Caalami ah oo dhismihisu socday laba sannadood, ayaa Arbacaddii si rasmi ah uu xadhiga jaray Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana waxaa Hoteelkaas lagu magacaabo Ambassador Hotel lagu qabtay xaflad ballaadhan oo lagu maamuusay furitaankiisa.

Huteelka Ambassador, waxa ku baxay lacag dhawr milyan oo doollar ah, waxaana hirgeliyay Muwaadin dhalinyaro ah oo ka mid ah muwaadiniinta qurba-joogga ah.

Madaxweyne Rayaale iyo xubno kale oo xafladii furitaanka ka hadlay, waxay dhammaantoodba sheegeen in Huteelku uu ku soo kordhiyay Caasimadda Bilic, isla markaana uu astaan u yahay nabadda Somaliland ka jirta.

Maareeyaha Hotelka oo ah gabadh Filibiiniyad ah, ayaa iyana xustay in hotelku yahay mid ay u dhan yhiin adeegyada ay leeyihiin Huteelada Caalamiga ahi.

“Ambassador Hotel, wuxuu madi tiray Maansoor.” Sidaa waxa yidhi Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) oo hadal ka jeediyay Xafladaas.

IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid I. Guraase

Nidaamka Xukunka Islaamka

 

Islaamku waa man-haj dhammays tiran oo koobaya dhammaan qaybaha nolasha iyo wax kasta oo lama huraan u ah dadka, waa diintii uu Ilaahay u soo dhiibay Nebigiisa Muxamed NNKHA, si uu dadka uga saaro mugdiga una geeyo nuurka iyo si ay u xaqiijiyaan wanaag ay gaadhaan adduunka iyo Aakhiraba, waana nidaam xaddidaya cilaaqaadka ama xidhiidhka ka dhaxeeya addoonka iyo Rabigiisa abuuray. Xidhiidhka qofku uu la leeyahay naftiisa, xidhiidhka uu la leeyahay dadka kale iyo dhammaan xidhiidhada uu la leeyahay wax kasta oo jira.

Qofka u maleeya inuu islaamku ku kooban yahay cibaado keliya oo aanu shaqo ku lahayn nidaaminta nolosha iyo arrimaha maamulka gudcur buu gudayaa. Bal hadda aynu eegno sida uu ilsaamku u nidaamiyay arrimaha maamulka guud ee ay bulsho leedahay.

Xukunka iyo maamulku waa asalka ay salka ku hayso diinta islaamku, waxaana rukni ama tiir u ah in la helo cid maamulkaa wada oo noqonaysa dawladda.

Sida uu imaamu Qasaali yidhi; “Shareecadu waa asal, boqorkuna waa ilaaliye, wixii aan asal lahayni wuu dumaa, wixii aan ilaaliye lahayna wuu dayacmaa.”

Marka taa laga yimaadana maamulku waa mid lagama maarmaan u ah bulshada meel kasta oo ay ku nooshahay, si ay u hesho deggenaanshiiyo iyo kala dambayn. Sidoo kale xukunku waa mid lagama maarmaan u ah shareecada, si loo helo cid fulisa axkaamta iyo ciqaabta kolba la fulinayo.

Marka taa laga yimaado, islaamku xukunka wuxuu u yeelay kaabayaal iyo tiirar aanu ka maarmayn, taas oo uu macnaheedu yahay in la helo waxyaabo isku xidha oo distoor ama man-haj u ah xukunka iyo awoodihiisa xidhiidhka ka dhexeeya xukuumadda iyo dadka iyo mas’uuliyadaha la kala leeyahay, waxaana lagu soo koobi karaa arrimahaa afar qodob:

·         U hoggaansanaanta oo dhan waxaa iska leh sharciga, iyada oo uu distoorka islaamku yahay Qur’aanka, taas oo ka duwan sida ay qabaan nidaamyada maanta jira qaarkood, iyaga oo u hoggaansanaanta siiya kolba cid gaar ah.

·         Mas’uuliyadda xaakimka ama hoggaaamiyaha oo si guud mas’uul uga ah xukunka, taas oo lagala xisaabtamayo, mana jiro islaamka cid aan la xisaabin. Waxaa kale oo hoggaamiyaha saaran inuu xilka loo dhiibay uga soo baxo si daacad ah, isaga oo aan waxba la hadhayn dedaalkiisa iyo tamartiisaba.

·         Mas’uuliyadda ummadda saaran oo looga baahan yahay inay ka soo baxaan, mana aha sida ay dadka qaarkii u haystaan oo ah inay mas’uuliyaddu saaran tahay madaxda oo aanay iyaga waxba laga doonayn, balse waxaa saaran mas’uuliyad iyo xil culus o ay ugu horrayso inay madaxdooda ku adeecaan wixii wanaagsan wixii xuna kala taliyaan, inay dhexdooda ku wada noolaadaan caddaalad iyo is ixtiraam, iyaga oo isla jeclaanaya wixii wanaagsan, iskana qabanaya wixii xun. Laakiin, haddii ay ummaddu iyadu isku xun tahay oo aanay isku naxariisanayn, marna ma helaan wanaag iyo caddaalad dhammaystiran, inkasta oo uu arrintaa xil gaar ahi ka saaran yahay madaxda.

·         Wada-tashiga ama “Shuura”, ayaa iyaduna lagama maarmaan u ah xukunka islaamka. Sida aynu soo sheegnay, maadaama ay madaxdu fulinayaan danta bulshada waa inuu jiraa wada tashi ka dhaxeeya, si loo sugo danaha guud, taas oo noqon karta in wakiilo fiican la sameeyo, kuwaas oo ka wakiila bulshada, balse waa inay danta dadka uga turjumaan si xaqiiqo ah, iyaga oo aan ujeedo ka lahayn.

Gebogebadiina waxaa lagama maarmaan ah in laga soo wada baxo xilka ina saaran madax iyo shicib-ba si loo helo madax toosan iyo shicib u hoggaansan.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Jawaabta Waxaan Ka Sugayaa C/Qaadir Jirde

Anigoo ah Mudane Axmed Muxumed Geelle (Dacar), kana mid ah saddexda mudane ee lagaga saaray Golaha Wakiillada si ka baxsan Xeer Hoosaadka Golaha, waxaan bogaadin u soo jeedinayaa dhammaan mudanayaasha Golaha Wakiilada ee gartay in sharcigu yahay ka keliya ee dhaxal u ah ummadda.

Waxa kale oo aan caddaynayaa Shir-guddoonka golaha inay ku jiraan gef badheedh ah, marka ay ku doodayaan xeer-hoosaadka golaha waa la iska dhaafi karaa, su’aal baanan weydiinayaa odhanaysa sharciyada ay shir-guddoon ku yihiin waa maxay? Waxaanan leeyahay, waxaan idinku dooranay may ahayn distoorka ee waxay ahayd xeer-hoosaadka golaha.

Haddaba Guddoomiyaha golaha Mr. Qaybe, waxaan u sheegayaa in aniga oo wada dhammaan madax-dhaqameedka beesha iyo qoraalkii ay dib iigu soo magacaabeenba, aan hor keenay shir-guddoonka golaha, isla markaana ay ballan cad la galeen, kadibna waxay beeshu ku war heshay keliya dhaarinta mudanayaal cusub, arrintaasina waxa loo arkay in hay’addii sharci-dejinta, kuwaas oo ay u baahan tahay gurmad sahrci.

Gebo-gebo

 Haddii sharcigu noqdo mid magan u noqda xubno dhawr ah oo ka tirsan golaha waxa meesha ka baxaya kalsoonidii xeer-dejineed ee ummaddu ka sugaysay.

Sharciga qabtay Mudane lagu sheegay inuu maqnaa labadan fadhi, isla markaana qaban waayay guddoomiye Qaybe oo golaha ka maqnaa muddo dhan laba sannadood iyo badh, iyada oo la og yahay mudada caafimaad loo maqnaan karo. Su’aashaas waxaa laga sugayaa jawaabteeda C/qaadir Jirde.

Md. Axmed Maxamed Geelle.

Meeday Caddaaladdii Islaamku?

Aniga oo ah Faadumo Qawdhan, da’dayduna tahay 91-jir, waxaan xafiiska xeer-ilaaliyaha dacwad ku saabsan beer dhaxal ah oo uu kiiskeeda hayay.

Beertaas waxay maraysaa afar dhaxal, waxayna ka dhaxaysaa 34 qof, balse waxa loo xukumay qof keliya.

Waxaan u siday xeer-ilaaliyaha waraaqo wasaaradda diinta iyo awqaaftu u soo dirtay oo ku saabsan kiiskaa dhaxalka ah. Markii aan xafiiskiisa fadhiistay ee aan uga warramay arrinta, isla markaana aan damcay inaan waraaqihii u dhiibo, wuu diiday, wuxuuna iigu jawaabay waa sidaa loo xukumay, wax wasaaradda diintu dib kuugu xukumi kartaana ma jirto. Waxaan weydiiyay sharciga dhaxal u dhaxeeya 34 qof loogu xukumay qof qudha. Wuxuu yidhi, taasi aniga ima khusayso.

Haddaba waa su’aale caddaaladdii islaamku meeday oo xaggay martay? Maxaa calanka tawxiidka loogu qoray haddii aan lagu dhaqmayn?

Beerta aan xeer-ilaaliyaha kala hadlayay waa beer aniga oo 19-jir ah la I geeyay, waxaana nasiibkaygu noqday in aniga oo 91-jir ah la iga qaado.

Faadumo Qawdhan Warsame,

Hargeysa.

WAADIGA CIYAARAHA

Caafi Oo Ku Guulaysatay Koobkii Xuska 26 June

 

Harg (Haatuf) :- Kooxda kubadda cagta Caafi ee gobolka Togdheer ayaa ku guulaysatay koobkii munaasibadda xuska 26 June, kadib markii ay rigoorayaal 5-4 ah kaga adkaatay naadiga Gaashaan ee ciidanka qaranka somaliland.

Labada kooxood oo ciyaari ku dhexmartay garoonka Hawl-wadaag Studium, waxay waqtigii caadiga ahaa ee ciyaarta isla dhaafi waayeen 2-2 barbaro, sidaa darteed waxaa sida sharcigu qabo lagu kala saaray rigoorayaal, taas oo keentay inay 5-4 ku guulaystaan kooxdii Caafi Burco. Shirkadda Dahab-shiil ayaa qaabishay kharash hal maalin iyo habeen ah ee kooxda Caafi. Sidaa darteed, Caafi waxaa la guddoonsiiyay koobkii 26-ka June.

Saaxil 2 – Caafi 1

Kulanka labada kooxood dhexmaray oo galabnimadii Arbacadii ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, kadib ayaa kooxdii gobolka Saaxil la guddoonsiiyay koobkii ay ku guulaysteen.

Guud ahaan ciyaarta labada kooxood dhexmartay oo ahayd mid xiiso badani, waxay ku bilaabantay weerar iyo weerar-celis ay koox waliba ku doonaysay inay dhinaca kale kaga hormarto gool-dhalinta.

In muddo ah markii la is humaajiyay ayaa kooxdii Burco u suurto-gashay inay ku hormarto gool-dhalinta. Waxaa ablaabka u furay ciyaaryahanka Maxamed Masinge, oo ka mid ah inamada sida weyn looga yaqaan magaalada Burco.

Ciyaartoyga gobolka Saaxil oo goolkaasi ka cadhaysiiyay ayaa bilaabay wacdaro hor leh oo ay ku baadi-goobayaan tabtii ay iskaga soo bogi lahaayeen goolkii laga dhaliyay, iyo sidii ay goolal kale u dhalin lahaayeen.

Tallaabadaasi waxay rumowday intii lagu jiray qaybtii hore ee ciyaarta, markii uu goolkii barbaraha u saxeexay ciyaaryahanka lagu magacaabo Xasan Saalax (Xasan-hindi).

Qaybtii hore ee ciyaarta, waxaa lagu kala nastay 1-1 barbaro, hase yeeshee markii la isugu soo noqday wejigii dambe ee ciyaarta ayay koox waliba lasoo guryo-noqotay tabtii ay is lahayd waad ku badin kartaa.

Gari laba nin kama wada qoslisee, inamadii reer Saaxil ayaa keenay goolkoodii labaad oo ahaa kii guushu ku raacday, waxaana goolkaa u dhaliyay isla ciyaartoygii goolka hore u dhaliyay ee Xasan Saalax (Xasan-hindi).

Inkasta oo labada dhinacba ku dedaaleen inay keenaan goolal intaa ka badan, haddana dhinacna umay suurtogelin, ciyaartiina waxay ku dhammaatay 2-1 ay ku adkaadeen Saaxil oo sidaa lagu guddoonsiiyay koobkii xuska 26-ka June. Goolhayaha kooxda Saaxil Maxamed Suufi, oo aanu wax ka weydiinay dareenkiisa guushii kadib, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guusha qiimaha leh ee ay gobolkooda u soo hooyeen. “Si aad u qiimo weyn ayaan u dareemay guusha aanu gobolkayaga u soo hoynay, waxaanuna u baahanahay inaanu guulaha intaa ka sii kordhino,” sidaa waaxa yidhi goolhaye Maxamed Suufi.

Ahn Oo Ku Gacan-Saydhay Raali-Gelin Talyaanigu Siiyay

 

Seoul (Reuters) – Weeraryahanka Koonfurta Kuuriya Ahn Jung-Hwan, ayaa ku gacan-saydhay raali-gelinta iyo dalab cusub oo uga yimi dhinaca kooxda Talyaaniga ah ee Perugia, oo hore u sheegtay inaanu dib ugu soo laaban dalka Talyaaniga.

Dilaalka ciyaartoygaa ayaa war-baahinta u sheegay in weeraryahanku codsiyo iyo dalabaad cusub ka helay kooxo badan oo ka tirsan waddamada Yurub, warku wuxuu intaa ku daray inay kooxaha ilaa hadda dalabka soo qortay ay ka mid yihiin Chelsea iyo West Ham oo Ingiriiska ah, Humburg oo Jarmalka ah, Rangers oo Scotland ah iyo Athletico Madrid oo Isbaanish ah.

Sidoo kale, tabobaraha laga haybadaysto ee xulka Koonfurta Kuuriya ayaa isna ku adkaysanaya inaan ciyaartoygiisu u baahnayn kooxda dayrisay ee Perugia, sidaa darteedna aanay aqbali karayn sasabashada ee masayrku weheliyo ayuu yidhi.

Ciyaaryahanka Ahn, oo qoraal rasmi ah warbaahinta u qaybiyay Arbacadii ayaa u sheegay inuu hadda ka fekerayo kooxaha Yurub ee soo codsaday tii u ku biiri lahaa, sidaa darteedna aanay suurtogal noqon karayn dalabka waqtigan uga yimi dhinaca Talyaaniga.

“Shacbiga Kuuriya ma doonayaan inaan ku noqdo Talyaaniga,” ayuu yidhi Ahn.

Ciyaaryahanka Ahn, ayaa dhaliyay goolkii dahabiga ahaa ee Korea kaga badisay Talyaaniga kulankii wareega labaad, taasina waxay keentay in maamulka kooxda Perugia ay diidaan in heshiiska loo cusboonaysiiyo Ahn, oo heshiiskii uu kooxda la saxeexday kaga dhammaaday sannadkan.

Ninkaa Talyaaniga ahi, wuxuu dayrinta ciyaartoyga ku macneeyay inuu halaagay kubaddii Talyaaniga.

Kooxda Perugia, waxay heshiis laba sannadood ah ciyaartoygaa la galeen 2000, heshiiskaasina wuxuu ku eg yahay bisha August ee 2002.

Brazil Iyo Germany Mid-Kee  U Dhow Hanashada Koobka Adduunka 2002?

Seoul (Haatuf) – Haddii wax waliba ku soo soconayaan siduu dhigayo maxsuulka isu-geyntu, waxay noqonaysaa mid ka hor imanaysa Jarmalka kulanka Axadda ee koobka adduunka oo kama-dambaystii ah. Inamada qabka weyn ridhoodhka u dhaxeeya iyaga iyo Brazil waa ka ugu xun cid kasta oo ka hortimaada qaramada adduunka.

Germany iyo Brazil, labaduba waxay si lama filaan ah ku yimaadeen kulanka kama-dambaysta ah, iyada oon midkoodna xisaabta cidiba ku darsan. Waddanka reer Yurub oo isagu Salaasadii u soo baxay ciyaarta gunaanadka, ayaa Arbacadii oo dhan ku ducaysanayay inTurkigu u soo baxo si ay ugu fududaato hanashada koobkii afraad ee adduunku, balse taasi uma dhicin siday jeclaayeen. Weeraryahanka reer Brazil ee Ronaldo ayaa waddankiisa u dhaliyay goolka guusha oo uu ku tilmaamay mid la mid goolashii Romario.

Markii tallaabadaasi dhacday, waxay noqotay marna tamartaa, marna taagtaa! Germany waxaa u caddaatay inaanay sinaba isu gafayn iyaga Brazil, iyada oo aan ilaa hadda cidina xaqiijin karin mida guusha la dheelman doonta, haddana Germany waxaa damqanaya nabaradii Brazil ku dhufatay muddadii ay kulmeen.

Tan iyo sannadkii 1963, kooxaha Germany waxay ku guulaysteen saddex ka mid ah 17 kulan oo dhemaray labada dhinac.

Afar ciyaarahaa ka mid ah waxay noqdeen barbaro, halka Brazil ku guulaysatay 10-ka kale, iyada oo gool-dhalintana ay u kala leeyihiin Germany 18, Brazil 31 gool.

Hase yeeshee, kulanka Axadda ka dhacaya Yokahama, wuxuu noqonayaa markii ugu horraysay ee ay iskaga horyim aadaan ciyaar koobka addunka ee FIFA ah oo dhexmarta labada qaran ee dunida ugu hanashada badan leh.

Saddexda jeer ee Germany ka badisay Brazil-ba waxay ka dhaceen gurigeeda. 16 June 1968, waxay kaga adkaatay 2-1, kulankaas oo ka dhacay Stuttgart, waxaa goolashas u kala dhaliyay Bernd Dorfel iyo Siggi Held. 12 March 1986, kooxdii Beckenbauer, waxay ku dabbaal-degtay 2-0, waxaana u dhaliyay Hans-Peter Briegel iyo Klaus Allofs. Guushii ugu caansanayd waxay ahayd 17 November 1993, markii Andreas Moller iyo Guido Buchwald, ay hoosta ka xarriiqeen 2-1 ee koobka Colagne.

Germany waxay ku guul-darraysatay kulankii kaa xigay oo ka dhacay Stuttgart (Germany) 25 March 1998, kulankaas oo ahaa tartanka Selecao, waxaa raggii waqtigaa Germany u safnaa ka mid ahaa Ulf Kirsten, Oliver Bierhoff iyo Dietmar Hamman oo dhammaantood u safan xulka hadda.

Sannadkii 1999 ee Mexico, Germany ayaa markii 11aad la kulantay guul-darradii ugu ballaadhnayd, markii 4-0 lagaga adkaaday kulankii koobka qaaradaha. Ciyaartoyga kala ah, Thomas Link, Lars Ricken, Michael Ballack iyo Oliver Neuvills, ayaa ka mid ah raggii guul-daradaasi haleeshay.

Sidaa darteed Germany waddanka ugu badan ee weligeed garaacaa waa Brazil.

Wadanka FIFA ugu hanashada badan koobka adduunku wuxuu ku guulaystay sanadihii (1958, 1962, 1970 iyo 1994). Sidoo kale Sececao ayay hanteen inta ugu badan taariikhda.

Germany oo ah waddanka labaad, wuxuu isna guulaystay sanadihii (1954, 1974 iyo 1990).

Muddo lix goor ah ayay kama dambaysta yimaadeen, taas macnaheedu wuxuu noqonayaa in kulanka Axadda ay isku hirdiyayaan labada qaran ee Dunida ugu sarreeyaa markale laga hadlayo koobka adduunka.

Brazil waa mid ka mid ah shanta waddan ee Germany la yeeshay 71 kulan oo caalami ah taariikhda, kuwaas oo midiba mid uga sii fiican tahay inay fooda is-daraan kooxda saddexda goor ku guulaysatay koobka adduunka.

Waddamada kalena waxay kala yihiin; Argentina (5 badis, 2 barbaro, 7 guul-darro), England (9 badis, 6 barbaro, 14 guul-darro), France (7 badis, 5 barbaro iyo 9 guul-darro), Italy (7 badis, 5 barbaro iyo 11 guul-darro).

Shaxdani waxay ku tusaysaa in uu afartaa waddan mid walba isagu ka guulo badan yahay, isagana waddanka keliya ee ka guulo badani yahay Brazil.