Haatuf, Cadadki 115, July 15, 2002

Madaxdii Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Shaqada

Laga Dareeriyay Iyo Masuuliyiin Cusub Oo Lagu Bedelay

 

Waxaa Galaaftay Dhul Lagu Abaal-Mariyay Cismaan Awr-Liqe

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay shaqada ka eryey Maayarkii caasumadda Hargeysa, Cawl Cilmi Cabdalle, labadiisii Maayar-xigeen, Khaliil Ibraahin Xawaadle( Maayr-xigeenkii 1aad ) iyo Maxamed Axmed Caalin-Tiinbaro ( Maayar-xigeenkii 2aad) iyo laba xubnood oo kale oo kala ah: Cismaan Nuux Siciid ( dhagax) oo mar xoghaye ka ahaa dawladda hoose, haddana ka mid ahaa hawl-wadeenada dawladda hoose iyo Cismaan Cabdi Ismaaciil ( Cismaan- Awrliqe) oo isna ka mid ahaa shaqaalaha dawladda hoose ee Hargeysa, isla markaana waxa uu madaxweyne Rayaale isla shalay masuuliyiin cusub u magacaabay jagooyinka kala ah: Maayarka Hargeysa oo uu u magacaabay, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-dheere) iyo laba maayar-xigeen oo kala ah: Ibraahin Xasan Maxamed (Maayar-xigeenka 1aad) iyo Aadan X. Ismaaciil Jirde (Maayar-xigeenka 2aad ),  sidaana waxa shaaca ka qaaday war-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeenka madaxtooyada Somaliland, Cabdi Idiris Ducaale.

Eriga masuuliyiintani waxa uu ka dambeeyey eedaymo la xidhiidha ku takri-fal ay si qaldan ugu takri-faleen masuuliyadii maamul ee ay ummadda u hayeen, waxaana ka mid ah waxyaalaha war-saxaafadeedka lagu xusay fadeexado ku saabsan bixinta dhulka danta guud iyo weliba, iyadoo ay masuuliyiintaasi ka dhego-adaygeen amarro ka soo baxay madaxtooyada oo lagu farayo inay joojiyaan bixinta dhulka danta guud, iyadoo war-saxaafadeedka si gaar ah loogu carifay is-goys ay ku kulmaan saddex wado oo ku yaal xaafadda idaacadda oo ay masuuliyiinta xilka laga qaaday siiyeen nin ka mid ah shaqaalaha dawladda hoose. 

War-saxaafadeedka uu af-hayeenku soo saaray, isaga oo tilmaamaya as-baabaha lagu eryey masuuliyiintii hore ee dawladda hoose ee Hargeysa waxa uu yidhi “ Masuuliyiinta dawladda hoose waxay ku takrifaleen masuuliyadii loo igmaday, waxaana muuqatay inay bixiyeen meelo aan caqligu ogolaan karin sida, isgoyska idaacadda oo kale, iyadoo aan dheg loo jalaqsiin amaawiirtii aanu hore uga bixinay dhul-joojinta ee la iska bixiyo uun”.

War-saxaafadeedku waxa kale oo uu yidhi “ waxa la baloodheeyey dhul ah beero dad gaar ahi leeyihiin si loo lunsado dhulkii danta guud ahaa”, wuxuuna war-saxaafadeedku intaa ku daray inuu madaxweynuhu tix-geliyey talooyin iyo war-bixino dhinaca dadka kaga yimi oo ku saabsan masuuliyiinta la eryey, sidoo kalena uu erigooda kala tashaday wasiirkiisa arimaha gudaha, ugu dambayna masuuliyiinta xilka laga qaaday waxa lagu amray inay si degdeg ah xilka ugu wareejiyaan masuuliyiinta cusub ee loo soo magacaabay jagooyinka ay baneeyeen.  “Masuuliyiintaa waxa la farayaa inay si deg-deg ah xilka ugu wareejiyaan cidda aanu xilalkaa u soo magacownay” ayuu yidhi war-saxaafadeedku.

Xil-qaadistani waxa weeye tii ugu balaadhnayd ee lagu sameeyo maamulada dawladaha hoose ee dalka, gaar ahaan caasumadda Hargeysa.

Sida war-saxaafadeedkaba ku cad eedda ugu weyn, uguna dambaysay ee uu ka dhashay erigani waxa weeye, kadib markii ay masuuliyiintani bixiyeen isgoyska ku yaal xaafadda idaacadda, halkaas oo ay masuuliyinta dawladda hoose ugu sareeyaa wada u siiyeen nin ka tirsan shaqaalaha dawladda hoose, Cismaan Cabdi Ismaaciil ( Awr-liqe), ninkaa soo ka mid ah Xubnaha shaqada laga eryey waxa waraaqda dhulka lagu siiyey wada jir u saxeexay maayarka, labada maayar-xigeen iyo xoghayaha dawladda hoose, waxaana sida ku cad qoraalka meeshaa la bixiyey sannadkii hore. 

Hase yeeshee waxay dadku ku war heleen laba toddobaad ka hor markii uu ninka meesha la siiyey damcay inuu dhisto, balse ay dadweynuhu ku gadoodeen, ka dibna ay dumiyeen dhismihii meesha laga seesay, waxaana halkaa ka soo if baxday fadeexad weji gabax ku noqotay masuuliyiinta dawladda hoose, iyadoo ay fadeexadda halkaa ka soo baxday keentay inuu madaxweyne-kuxigeenku hawl baadhis ah oo arintaa ku saabsan ku dhaqaaqo, taas oo la rumaysan yahay inay natiijadeedii tahay in xilalka laga qaado masuuliyiintii sidaa samaysay. 

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay

Wasiiradii Dib Loo Soo Magacaabay

 

Harg (Haatuf) :- Golaha wakiilada Somaliland ayaa ansixiyay shan wasiir iyo laba wasiir ku xigeen oo ka mid ah sagaal xubnaha golaha wasiirada ah oo uu madaxweyne Rayaale dhowaan dib u soo magacaabay, kadib markii ansixintoodu muddo dhaaftay.

Ansixinta wasiiradaas oo muran iyo is-maandhaaf ka abuurtay fadhigii golaha ee Sabtidii dorraad, isla markaana lagu kala dareeray markii ay mudanayaashu ku kala qaybsameen, iskuna mari waayeen arrinta ayaa shalay goluhu isla oggolaaday in lasii daayo wasiiradaas, iyada oo mudanayaasha qaar ay qabeen in dib loo celiyo, lana weydiiyo madaxweynaha inuu soo magacaabo xukuumad cusub.

Wasiiradaas dib loosoo magacaabay ayaa dhammaantood cod aqlabiyad ah lagu meel-mariyay, marka laga reebo wasiirka Duulista Hawada oo socdaal dibedda ah ku maqan, iyo wasiir ku xigeenka Horumarinta Reer Miyiga oo isaga ay qaar ka maqnaayeen waraaqihii looga baahnaa, waxaana dib loogu dhigay inuu soo dhammaystiro waraaqahaas.

Wasiirada shalay goluhu ansixiyay waxay kala yihiin; wasiirka Gaashaan-dhiga Md. Axmed Cali Maxamed, waxaa lagu oggolaaday cod dhan 45 cod, halka laba mudane ay diideen midna ka aamusay. Wasiirka Wershadaha Md. Axmed Jaamac Bootaan waxaa lagu ansixiyay 46 cod, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Cumar Cige waxa lagu oggolaaday 44 cod, wasiirka Cadaaladda  Md. Cabdulmajiid Garaad Jaamac 46 cod, wasiirka Caafimaadka Md. Xasan Ismaaciil Yuusuf, waxa lagu ansixiyay 43 cod, wasiir ku xigeenka Cadaaladda Md. Aadan Gurxan Maxamed ayaa isna lagu oggolaaday 45 cod, halka wasiir ku xigeenka caafimaadka Maxamed Jaamac Warfaa uu ku meel-maray 44 cod.

Mudane Ka Tirsan Wakiilada Oo U Badheedhay Jebinta Sharciga Wado-Marista

 

Hargeysa (Haatuf): Waxay ahayd 10:20 daqiiqo gelinkii hore ee shalay, waxay ahayd isgoyska dhinaca bari kaga qabsan dhismaha baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, waxa halka ka abuurmay iyo is-afgaranwaa dhex-maray mudane ka tirsan golaha wakiilada Somaliland iyo askar ka tirsan ciidanka ilaalinta nabadgelyada wadooyinka (Taraafik).

Mudanahaa oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Warsame-jiir waxa uu watey baabuur cad oo ah nooca loo yaqaan Landcruiser-ka, wuxuuna marayey wadada isgoyska ka soo gasha dhinaca bari ee soo hor marta dhismaha cusbataalaka weyn ee Hargeys, waxay foodda is-dareen askartii taraafigga ahayd ee shalay ka hawl-galay isgoyskaa oo ka mid ah baraha ay xiliyada gelinka hore baabuurtu ugu tiro badan tahay, iyadoo uu isgoyskaas ku kulmaan afar wado, islamarkaana bogcadda uu ku yaal dartii ay had iyo goor askarta taraafikada cidi ka joogto.

Muranka dhexmaray mudanahaa iyo askarta taraafiggu waxa ka bilaabmay, ka dib markii uu mudanahaa joojiyey laydhka baabuurta kala haga, taas oo uu ku baxay laydhka cas oo macnihiisu yahay joogso, hase yeeshee mudanahaa uu baabuurkkiisu ka mid ahaa saf uu ku baxay laydhka cas waxa uu , isaga oo ku soconaya xawaare sare soo dhaafay baabuur badan oo safka taagnida ku jirta oo uu baabuurkiisu ka dambeeyey, wuxuuna u muuqday inuu iska dhaafayo xataa wadada ee uu laydhka casi ku baxay, balse waxa mudanahaa horjoogsaday oo intuu isu raaciyey siidhi iyo birtii calaamada ahayd ee uu wax kala hagayey ugu tilmaamay inuu safka baabuurta galo, laakiin mudanuhu waxa uu askarigii oo hortaagan ugu jawaabay “Waxaan ka habsaamay shaqo ee ii bannee”, balse askarigii taraafigga ahaa taa ma asmicin ,wuxuuna ugu jawaabay “ Taasi adiga ayey kuu taal “.

Askarigii Taraafigga ahaa markii uu ku adkaystay mudane Maxamed Warsame iyo gaadhigiisa inaan si kale lagu sii daynayn sharciga wadao-marista oo ay maraan mooyaane ayuu mudanuhu askarigii ugu hanjebey inuu baabuurka jiidhsiin doono hadii aanu ka hor leexan, isaga oo yidhi “ Walaahay hadii aad iga hor baydhi waydo inaan ku jiidhi”, laakiin muddo dhawr daqiiqo ah markii murankaasi taagnaa ayuu mudanuhu go’aansaday inuu xoog ku dhaafo wadada xidhan, laakiin taasi uma ay suurta gelin oo waxa ishortaagay ilaa dhawr askari oo arintaa darteed isugu soo ururay, waxaase askarta caawiyey dadkii shicibka ahaa ee baabuurta watey ee meesha ku sugnaa, kuwaas oo markii ay inuu mudanahaasi si badheedh ah u doonayo inuu u jiidho sharciga wado-marista iyo askartaba ku hor-gooyey laba baabuur oo kale si aanu askarta u jiidhin, taasina waxay keentay inuu baabuurkii mudanuhu waayo fursad uu ku baxsado oo uu ku jiidho wadada xidhan, waxaana askartii ficil ahaan iyo dareen ahaanba gacan siiyey dad badan oo shicib ah oo meesha buuqu ka taagan yahay ku soo xoomay. Sidaa darteed askartii taraafigga ahayd waxa u suurta gashay inay ku guulaystaan inaanu ninkaa mudanaha ah iyo baabuurkiisu jiidhin wadada xidhan, waxaana gaadhigii mudanaha dusha uga baxay dhawr askari, una dhaqaajiyey dhinaca wadada hor marta madaxtooyada, iyadoo uu mudane Maxamed Warsame-jiirna aad u xanaaqsan yahay.

Qof ka mid ah dadkii shicibka ahaa ee arkayey sida wax u dhaceen ayaa ku dhawaaqay “ ninka qabta oo xidha waxa uu doono ha ahaadee”.

Runtii dhacdadaasi waxay ahayd mid xiisa leh , waayo waxay ahayd mid ay sharciga ha jebin iyo waan jebinayaa ku murmayeen nin ka mid hayaddii sharci dejinta ee wadanka ugu saraysay iyo nin ama dhawr nin oo ka mid ah askartii ay dawladda sare ee uu Mudane Maxamed Warsame ka tirsan yahay ku amartay inay Cidii sharciga jebinaysa qabtaan, iyadoo ay la ogyahay inay baarlamaanku maalin walba ku cawdaaan shuruucda aanu soo saarno waa la jebiyaa ama looguma dhaqmo sida ay yihiin.

Arintu sida at doonto ha ahaatee dhacdadaasi waxay ahayd mid uu ku amaan iyo abaal-marinba ku mudan yahay askarigii ku adkaystay ilaalinta sharciga wado marista, sidoo kale waxa amaan iyo bogaadin mudan dadweynihii gacanta siiyey askartaa, laakiin waxay iswaydiintu tahay miyaanu sharciga hortiisa ciqaab ka mudnayn ninka mudanaha ee sharcigii uu ku daba geli lahaa cidda jebinaysa meel fagaare ah ugaga badheedhay inuu jebiyo, isla markaana dadweynihii uu ku wacdiyi lahaa inay sharciga ku dhaqmaan, kana fogaadaan jebintiisa ku dhiiri geliyey inay jebiyaan, isaga oo weliba naftiisa halis geliyey askari hawl maalmeedkiisa gudanaya ee damcay inuu jiidho.

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Deynta Xil-Wareejintu Ma Aargoosi Baa?

 

Waxa jirtey marxalad ay Somaliland-ta cusubi soo martay, marxaladaas oo ay rag badan oo musuuliyiin ahi rumaysnaayeen inaan si fudud xilka looga qaadi karin, waxayse marxaladaasi hadda tahay mid laga soo gud-bay, waxaana la soo gaadhay marxalad ninka masuulka ah hadii uu kasbado sabab xilka lagaga qaado ama uu dhamaado mudadii loo igmaday si fudud looga qaadi karo, iyadoo la marinayo dariiqa qaynuuniga ah, isla markaana aanu taageero u helayn sii haysashada xilka si aan qaynuunka iyo waaqica waafaqsanayn. 

 

Hase yeeshee waxaad moodaa inay taa bedeshay xirfad cusub oo lagu tilmaamo karo inay tahay diidmo aamusan oo ah inuu diiday inuu xilka laga qaaday ka dego, iyadoo ay caadada dawladnimadu tahay in ninka masuulka ah xaq loogu leeyahay inuu xilka ummaddu u dhiibatay marka laga wareejiyo cidda bedelaysa ugu wareejiyo si hufan oo dhamaystiran.

Waxa jirtey xiliyadii hore ee uu dakhliga dawladaha hoose ee magaalooyinka ama dakhliga Wasaaradaha dawladda dhexeba ka yaraa inta uu yahay xiliyadan dambe, haddana aanay dhici jirin marka ay laba masuul xil la kala wareegayaan inaan wax dayn ah lala kala wareegin, isla markaana ay dakhliyada dawladaha hoose ka soo baxaa kaafiyi jireen kharashaadka baahiyaha adeeg iyo mushahaarooyinka shaqaalahooda, iyadoo ay weliba dawladaha hoose kaabi jireen hawlaha waxbarashada iyo caafimaadka ee magaaladeeda.  

Hase yeeshee hadda oo la odhan karo dakhliga dawladaha hoose iyo Wasaaradaha dakhli soo saarkaba aad baa dhaqaalahoodu uga badan yahay sidii uu ahaa xiliyo hore oo badan, islamarkaana aanay dawladaha hoose ee magaalooyinka Somaliland danayna hawlaha caafimaad iyo waxbarasho ee ka socda magaalooyinkooda ayaa haddana waxa waayadan dambe soo baxay daymo balaayiin ah oo soo ifbaxaya maalinta xilka lagala wareegayo masuul shaqada laga fadhiisiyey, taas oo ay dad badani fahmi kari la’yihiin halka ay daarran tahay iyo waxa ka jira.. 

Hase yeeshee marka aynu eegno halka ay arintani ka biyo cabto waxay noqon kartaa ama ku timi afar sababood mid uun: ta hore waxay noqonaysaa marka waxa loo baahan yahay inay dawladda hoose leedahay qorshe sannadeed hawl qabad oo ay miisaaniyadiisu jaan go’an tahay oo hore loo qorsheeyey, dakhliguna waa inuu si toos ah ugu xeroodo hayadaha ama Xafiisyada u xilsaaran arimaha dakhli ururinta , nidaamkaasi waxa uu oodda u rogayaa inuu nin masuul ahi iska galo dayn aan qorshaysnayn ama iska isticmaalo kharash aan ku talo gal lahayn, taas oo ah dhaqan hadda aad u badan.

Arinta kale waxay tahay inay jiraan masuuliyiin ka faa’iidaysta abuurista dayn beenaad, iyaga oo la macaamilaya shakhsiyaad shicib ah oo ay arintaa iyo wax la mid ah ku shuraakoobeen, taas oo ay hadhow wadaag ku noqdaan faa’iidada halkaa uga soo baxda, iyadoo la abuurayo sababo loo daymoobay.

Ta saddexaad waxay tahay arin marka la maqlo aan macquul ahayn, taas oo uu ah inay dhacdo inuu qofku ku farxo marka xil loo magacaabo iyo hadhow hadii laga qaado ka xumaado, kana xanaaqo talaabada xilka lagaga qaaday, ka dibna uu muujiyo xintan qarsoon sida dayn inuu abuuro iyo wax la mid ah .

Ta afraad waxay noqon kartaa inay daynta balaayiinta ah ee ay isku wareejiyaan masuuliyiinta dawladaha hoose intooda badani ama hayadaha dawladda dhexe qaarkood inay tahay aargoosi uu ninka masuulka ah ee xilka laga qaaday kaga aargoosanyo xilka laga qaaday oo uu ka cadhaysan yahay darteed.

Wax kastaaba ha jireene daynta faraha badan ee laga tegayaa waxay dulucdeedu u eg tahay qaab lagu helayo maaliyad, taas oo noqonaysa masuuliyaddii oo si qaldan loo isticmaalay ama looga faa’iidaystay., waxayse taasi u muuqataa nidaam musuq-maasuq oo cadow u ah danta guud ee ummadda, waxaase loo baahan yahay inuu jiro xisaabtan cad oo aanay suurta gal noqon in la soo gudbiyo dayn balaayiin ah oo aan lahayn qorshe cad iyo sabab loo galay.

Guddi Loo Saaray Wax Ka Qabashada

Dekedda Berbera Oo Soo Saaray Go’aamo

 

Hargeysa (Haatuf) : Guddi ka kooban Wasaaradaha ganacsiga iyo maaliyadda, hantidhawrka guud iyo rugta gancsiga oo uu madaxweyne Rayaale u saaray wax ka qabashada cabashooyinka ayaa shalay magaalada Berbera ka soo saaray go’aamo lagu fududaynayo adeegyada dekedda, hoosna loogu dhigayo tacriifadaha lagu cashuuro badeecadaha dekedda ka soo dega ama ka dhoofa.

Guddigan oo shalay ku soo noqday Hargeysa, ka dib markii ay muddo toddobaad gaadhaysa hawl-gal ku joogeen magaalada Berbera, waxayna go’aamo ka gaadheen qaybo ka mid ah mushkilado iyo cabashooyin la xidhiidha dhinacyada maamulka iyo adeegyada oo mudada door ah dekedda ka jirey, isla markaana waxay guddigaasi sheegeen inay qaybo ka mid ah sida wax looga qabanayo cabashooyinka dekedda ka jira kula noqonayaan madaxda sare.

Sida uu sheegay war-saxaafadeed ay wada jir u saxeexeen Wasiirka maaliyadda, Xuseen Faarax doodi oo ah gudoomiyaha guddiga, Hanti-dhawraaha guud, Aadan Cali Yoonis iyo xoghayaha guud ee rugta ganasiga Cabdilaahi Diiriye Jaamac, guddigu markii ay shirar iyo kulamo gooni gooni ah la yeesheen ganacsatada qaybeheeda kala duwan, islamarkaana ay dhegaysteen cabashooyin wejiyo badan leh oo ay ka qabaan dekedda iyo kastamka.  Waxa kale oo uu guddigu xog-waraysiyo la yeeshay masuuliyiinta dekedda iyo kastamka, ka diban waxa uu guddigu soo saaray go’aamo wax lagaga qabanayo adeegag dekedda si ganacsatada loogu dhiiri geliyo inay isticmaalaan dekeddda oo ay ka cawdeen adeegyadeeda. Go’aamadaasina waxay u dhignaayeen sidan:

A. Dhinaca dekedda Berbera.

1.       Habka dekedda badeecadaha loogala baxo oo lagaga cawday inuu yahay mid dheer oo ku soo noqnoqosho badan waxa lagu soo koobay in hawsha lagu soo koobo 4 goobood, halkii ay ka ahaan jireen 12 goobood iyo saraakkisha hawsha fulinaysa lahaadaan xafiisyo cayiman oo loogu soo hagaago marka loo baahdo.

2.       Fiiga kaydku (Storage fees) waxa uu ka bilaabmayaa 14 cisho ka dib maalinta badeecadaha dhulka la soo dhigo ee laga dhamaystiro markabka.

3.       Tacriifadda dekedda Berbera waa laga dhimay.

Madaxweynaha Faransiiska Oo Ka Badbaaday Isku-Day Dil

 

Paris (W/Wararka) – Ciidamada ammaanka ee Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay maalintii shalay nin isku dayay inuu dilo madaxweynaha Faransiiska Chack Chirak oo ka qaybqaadanayay munaasibad lagu xusayay kacaankii Faransiiska oo ka dhacaysay badhtamaha Paris.

Sida ay sheegeen dad goob-joog ka ahi ninka la qabtay waxaa uu ka mid ahaa dad farabadan oo taagnaa wadada hareeraheeda, iyada oo uu madaxweynuhu la socday gaadhi dul qaawan, si uu u salaamo dadka isugu soo baxay munaasibadda lagu xusayya kacaankii Faransiiska oo dhashay 14-kii July 1789-kii, markaas oo uu shandad kala soo baxay qori, rasaasna uu riday, balse ciidamada ammaanka ayaa ku guulaystay inay markiiba muquuniyaan gacantana ay ku dhigaan, iyaga oo hubkiina ka qaaday.

Sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiisku, ninka isku dayay dilka madaxweynuhu wuxuu ka tirsan yahay kooxaha garabka midig ee hubaysan, isla markaana ay ka warhayeen ciidamada ammaanku, ayna la socdeen dhaqdhaqaaqiisa.

Dhacdadani waxay ka dambaysay, iyada oo ay Axsaabta garabka midig guulo ka soo hooyeen doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Faransiiska, awoodoodana la sheegay inay soo kordhayso beryahan dambe.

Qaxootigii Laga Soo Celiyay Djibouti Oo Soo Gaadhay Hargeysa

 

Hargeysa (Haatuf): 10 gaadhi oo siday tiro qaxooti ah oo dhan 231 qof ayaa fiidnimadii xalay soo gaadhay magaaladan Hargeysa iyadoo dadkaa ay hay’adda UNHCR ka soo daad guraysay xerada qaxootiga Hol-hol ee dalka Jamhuuriyada Djibouti Simone Wolken oo ah wakiilka xafiiska UNHCR-Djibouti oo hogaaminaysay hawl wadeenada hay’ada UNHCR ee Qaxootiga ka keenay Djibouti ayaa u sheegtay wariyeyaal ka tirsan Haatuf in dadkani ay ahaayeen qoysas ka qaxay muddo Toban sano ahna qaxooti ahaan ku joogay Djibouti.

Simone waxay intaa ku dartay in dadkan la siiyay 9 bilood raashinkood iyo in laga yaabo maadaama ay hawsha dib u soo celinta qaxootiga Djibouti bilow tahay in caawimo kale si dadban hayadaha samafalka ay siiyaan. Simon Wolken waxaa kale oo ay sheegtay in dadkan aan loo qorsheyn in xero u gaara la dajiyo oo ay yimaadeen magaaladoodii.

Haweenay ka mid ahayd Qoysaskaa qaxootiga ah ee xalay soo gaadhay Hargeysa ayaa u sheegtay Haatuf in ay qoyskoodu reer Hargeysa ahaan jireen laakiin ay ka qaxeen (11) sanadood ka hor oo ay u qaxeen xeryaha hadda dib looga soo celiyay. 231 qoys oo dumar iyo carruur u badnaa waxaa lagu dajiyay (ex-Ganad) waxaana halkaa loogu qaybiyay Raashin.

Simone Wolken waxaa kale oo ay sheegtay in hawshan ay qabteen ay ka danbaysay Heshiis ay galeen Djibouti, Somaliland, iyo hayadda UNHCR oo la iskula ogolaaday soo celinta qaxootigaas ku jira xeryo dhulka Djibouti ah oo la sheegay in ay markii hore ka qaxeen Somaliland.


Daacadi Ma Hungowdo

Qaybtii 2aad: Maxamed Axmed Xuseen (Qiso)

Gabadha la ii guuriyey hore uma arag wejigeeda, laakiin markii u horaysay ee aan isha ku qacsiiyey waxaan arkay dheeman widh-widhaya oo luqunta ka lusha, waxaan is-waydiiyey meesha aan ku arkay dheemanka gabadha aan guursaday qoorta u sudhan, waayo markiiba waxa aan gartay inaan shaygan hore u arkay, balse markii aan cabaar ka fekeray ayey igu soo dhacday halkii aan ku arkay, waxaana xusuustay inuu yahay dheemankii ku jirey jawaankii aan berigii helay ee aan u celiyey odaygii miskiinka ahaa ee uu ka lumay, cabaar baan inanta qoorteedii ku dhaygagay, waxaan xusuustay waayo-waayo iyo sheekadii na dhex martay ninkii odayga ahaa, in muddo ah ayaan ku maqnaa xusuus.

Gabadhii way yaabtay dabadeed-na markii ay aragtay inaan ku dhaygagay dheemankii qoorta u sudhnaa ayey shakiday, ka dibna debedda ayey u booday, wayna carartay, iyadoo weliba naxsan oo ooyeysa, waxayna u ashkatootay odayaashii isu kaaya guuriyey , waxaana ugu horayn la waydiiyey waxa ay la ooyeyso, waxayna ku cabatay inaanu ninkii loo guuriyey guurkeedaba dan ka lahayn, taas oo ay ku sababaysay ama tidhi ninku wejigaygaba kor u eegi maayo . 

Dabadeed odayaashii oo wada socda oo laftigooodu yaaban ayaa ii yimi aniga oo gurigii jooga ugu horayna iig waramay wixii ay gabadhu ku tidhi iyo wixii ay igaga cabatay, waxayna igu yidhaahdeen gabadhu sidii aanu horeba kuugu sheegnay waa agoon wayna qaracantay markii aad wejigeedaba kor u eegi wayday ee aad ku dhaygagtay dheemanka qoorta u sudhan, intaa ka dibna waxay odayaashii I waydiiyeen oo ay yidhaadeen, maxaa kugu kelifay inaad sidaa yeesho. Hase yeeshee odayaashii waxaan uga sheekeeyey sheekadii na dhexmartay odaygii aan u celiyey jawaankii uu dheemanku ku jirey iyo sidii aan ugu diiday markii uu igu yidhi aan baadifad iyo abaal gud ku siiyo maadaama aad alaabtii iga luntay intaad heshay gacanta dib iigu soo gelisay.

Markii aan sheekadii dhameeyey ayey odayaashii, iyaga oo aan is-ogayn mar qudha wada yidhaahdeen “ allaahu akbar, allaahu akbar way rumowday”, markii ay intaa yidhaahdeena debedda ayey u wada yaaceen , iyaga oo ku dhawaaqaya aynu dadweynaha jasiiradda degan war-gelino, anigiina waa yaabay oo waxaan is idhi tolow maxaa dhacay, laakiin mid ka mid ah odayaashii ayaan faraqa iska lulay si aan u waydiiyo waxa dhacay, waxaana ku idhi adeer waxa rumoobay ee aad sheegaysaan waa maxay, wuxuuna ugu horayn ii sheegay in gabadhan agoonta ah ee la ii guuriyey uu dhalay odaygii aan jawaanka dheemanku ku jiro u celiyey, odaygaasina uu beri hore dhintay.

Ninkaasi waxa kale oo uu ii sheegay inuu odaygaasi had iyo goor ka sheekayn jirey arintaa oo uu odhan jirey “ weligay maan arag muslin ka wanaagsan nin beri ii soo celiyey  johorad dheeman ah oo iga luntay, isla markaana igu diiday baadifadii aan is idhi abaal-gudka u sii “, wuxuuna ninkaasi intaa iigu daray inuu ninkaasi goor walba ku ducaysan jirey “ illaahow ninkaa Inantayda u guuri, illaahow ninkaa inantayda oori uga dhig”.

Odayaashii markii ay magaaladii warkii gaadhsiiyeen ayey gabadhiina maqashay, dabadeed-na intay soo oroday, iyadoo faraxsan ayey gurigii daf iigu soo tidhi, waxayna hadal iigu horaysiisay I saamax. Sidaa ayaanu isku fahamnay, waxayna hawshayadii aroosku u dhamaatay si wanaagsan, intaa ka dibna waxay ii noqotay oori wanaatgsan oo raaliyo ah, waxay noqotay marwo aad u wanaagsan oo ay naftaydu ku xasisho.  Runtii waxay ahayd gabadhaasi mid aabeheed si wanaagsan u rabeeyey . Hase yeeshee markii aan muddo qabey ee ay laba caruur ah ii dhashay, halkiina aanu deganahay ayey berigii dambe iga dhimatay, muddo ka dibna labadii caruur ahaa ee ay ii dhashay ayaa iga dhintay, taasna inkasta oo aan aad u muraara dilaacay oo aan ka xumaaday, haddana waa qader Illaahay oo waxaan u samray Illaahay dartii .

Intaa ka dib xoolihii ay gabadhu lahayd oo uu ku jiro dheemankii aan berigii odayga aabeheed u celiyey aniga ayuu noqday ninka dhaxlay.

Hadaba qisadani waxay markhaati cad u tahay daacad-nimada iyo amaanadu sida ay I yihiin wax qaaliya oo aanu qofka ku dhaqmaana u waayayn abaalkeeda, islamarkaana uu qofka Illaahay isku xidhaa aanu marna u hungoobayn, qofka risiqiisana Illaahay baa haya ee aadame ma hayo, ta kale waa inaad mar kasta maanka ku haysaa inaanay aduunyadu ahayn meel lagu waarayo ee ay aakhiro tahay guriga rasmiga ah, lama huraana waa caws jiilaal, sidaa darteed guriga aakhiro ayaa ah caws jiilaal.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Somaliland Iyo Djibouti,

Gallad Iyo Godob Midba Maxaa Dhexmaray

Maxamed Ibraahin Cali (Af-gaab), Hargeysa

 

Waxaan jeclahay inaan halkan kaga hadlo afar qoddob oo kala: Doorkii ay dadka Reer-Somaliland ku lahaayeen xoriyaddii jabuuti, Marxaladihii adkaa iyo wixii ay dadka Reer-Somaliland, Jabuuti kala kulmeen, kaalintee ayey Jabuuti iska taagtay qaddiyadda Madax banaanida Somaliland iyo  

Ka afraad oo ah muxuu madaxweyne Rayaale uga baydhay xuskii 26-ka Juun.

Marka laga hadlayo kaalintii ay dadka Reer-somaliland ku lahaayeen helista xoriyadda Jabuuti waxa la odhan karaa dadka Reer- Jabuuti iyo dadka Reer-Somaliland way u sinaayeen dhibaatadii iyo ciqaabtii ay gumaystayaashu ku hayeen shacabkii gobanimo u dirirka ahaa, taas oo aad moodaysay inuu shacabka Somaliland yahay ka xornimada doonaya, iyaga oo ka damqanayey dhibaatada haysata walaalahooda Jabuuti, doonayeyna inay xornimo helaan. 

Hase yeeshee Jabuuti markii ay xornimada qaadatay ka dib, dawladdii ka dhalatay ayaamihii ay dadka Reer-Somaliland dhibaataysnaayeen wax weyn bay ka tirsadeen, taas oo ay maamulayaashii dawladda Jabuuti la shaqeeyeen taliskii Siyaad Barre ee sida arxan darada ah u laynayey shacabka Somaliland, taas oo ay masuuliyiinta Jabuuti jeelasha u taxaabi jireen Cidii ay u arkaan inay ka soo horjeeda taliskii siyaad Barre ee Jabuuti joogta, iyadoo dhinaca kalena ay jireen dad ay dawladdii Jabuuri ku soo daadisay xuduudka labada dal u dhexeeya (Somaliland iyo Jabuuti),  dadkaas oo gacanta loo geliyey ciidamadii Siyaad Barre, ka dibna ay waajibkoodii arxan darada ahaa ka guteen.   

Sidoo kale intii ay Somaliland xoriyadeeda la soo noqotay dawladda Jabuuti ma soo dhaweyn madax banaanida Somaliland, taas oo weliba la rumaysan yahay inay masuuliyiinta Jabuuti ka shaqeeyeen sidii aanay Somaliland u noqoteen dal jira oo dunida ka mi d ah, waxayna ka shaqeeyeen sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen dawlad Somali weyn ah, iyaga oo masuuliyiinta jabuuti og inay Somaliland madax banaani ka qaadatay midowgii Soomaaliyeed, isla markaana masuuliyiinta Jabuuti si ay uga dhabeeyaan riyadooda ku saabsan dib u soo celinta Somali weyn waa kuwii abaabulay shirkii ay ku qabteen tuulada Carta ee dalka Jabuuti, kuna soo dhisay maamulka Muqdisho ka jira ee lagu naanayso kooxda Carta, arintaasina waxay ka mid ahayd waxyaalihii ugu waaweynaa ee sii murgiyey xidhiidhka labada wadan ee beryahan xumaaday.

Hadaba, iyadoo ay arimahaasi dhex yaaliin labada dal ayuu madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale si lama filaan ah u go’aansaday inay Jabuuti iyo Somaliland yeeshaan xidhiidh walaal-tinimo, taas oo uu madaxweyne Rayaale booqasho ku tegey dalka Jabuuti, wada hadalana kula soo yeeshay madaxda dawladda Jabuuti.  Hase yeeshee aniga oo ka mid ah bulshada Reer-Somaliland waxaan ka mid ahay dadka qawadey natiijadii ay madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu kala soo noqdeen Jabuuti, waayo marka hore waxaan u arkaa inuu ku degdegay, mar labaadka waxa la sheegay inaan Jabuuti lagaga soo dhaweyn miisaankii madaxweynenimo ee uu lahaa.

Ta kale heshiiska lixda qodob ka kooban ee ay labada dhinac isla gaadheen waxa uu aniga iigu muuqdaa inaanu u qalmin socdaalkii madaxweynaha iyo weftigiisa, waayo tusaale ahaan qoddobka ah in kastamka lagu soo celiyo Lawyacado, anigu waxaan u arkaa inaanay mushkilad weyn ahayn meesha kastamka laga dhigayo.  Ta kale soo celinta qaxootigu ma aha dan u gaar ah Somaliland ee waa dan khusaysa labada dhinacba, sidoo kale ganacsatada Somaliland waxay ka soo jeedaan Jabuuti, waxayna ka wada shaqaystaan labada dhinacba, kumana xidhna arinta ganacsigu khilaafaadka siyaasiga ah.

Markii uu madaxweyne Rayaale ka soo noqday Jabuuti dhawr maalmood kadib afhayeen u hadlay dawladda Jabuuti wuxuu sheegay inay dawlad u aqoonsan yihiin kooxda Carta oo keliya. Sidaa darteed miyaanay arintu u muuqan kala maan.

Dadka walaalaha ah ee ku kala nool labada dal wax aan wanaag ahayni kama dhexeeyo, laakiin ma awoodi karaan inay is fahamsiiyaan labadooda dawladood.

Hormoodkii 1960-Kii Waxay Galeen Khaladaad Cad Oo Siyaasadeed

Afartaneeyadii sanadood ee ugu danbeeyay Qarnigii dhamaaday waxaynu la tiicaynay culays iyo dhibaatooyin badan oo saamayn ku yeeshay sooyaalkeena taariikheed ee ku Aadan Dal, Dad, iyo Duunyo dib u dhacyo badan ayaa ku yimid nidaamkeenan dhaqan dhaqaale iyo Siyaasadeedba qalalaase badan ayaynu hadba dhinac u jiidhnay maskaxdeenana ku reebay dareemo daran xusuuso fool xun, xanbaarsana murugo iyo laxaw qalbiyadeena lula mushkilada oo dhamina ciriq ay ka sharaabayaan ee sababay in ay fufaan waxaas oo dibindaabyo ahi waa khaladkii cadaa ee, ay galeen kooxdii dawladnimadii kala wareegtay Mustacamaradii Britishka iyo waqooyiga Ireland.

Udarbanayaashii Hogaaminta iyo talada dalku waxay badheedhahooda cadaan ugu deedafeeyeen dhammaanba talooyinkii xukuumadii Ingiriiska oo aad moodaysayba in ay uga beer iyo calool jilicsanayd umadooda waxaanay u soo jeedisay raacista dariiqooyin dhawr ah ayna ka mid ahaayeen inaanay ku degdegin la midowga koonfurta oo Toban sanadood Ismaamul hoosaad ay Jimciyada Quruumahu gacanta ku haysay ahaa waxaanay ku inay ahaadaan dawlad gaar ah oo ku biirta ururka ay leeyihiin dawladahii uu gumaysan jiray boqortooyadii Britishka ee Barwaaqa Sooranka (Common Wealth) soo jeedintii Mustacmarada waxay kaga jawaabeen Hormoodkii u Hamuunta qabay in ay bilaabaan kicin abaabul xamaasadaysan oo ay dadka ugu sheegayaan in Ingiriisku doonayo in uu Xorriyadda ka haysto oo uu ka reebo walaalahooda koonfureed iyo iyagoo  iska horkeen ay shacbigii iyo Mustacmaradii islahayd u jihee dadkan aad soo xukumaysay tala xumaantaasi waxay keentay in ilaa dawladii ingiriisku dib inoo soo jaleeci waydo waxay u soo gaadhay in ay calan gaara ka qaataan umadaha Midoobay kursina ku yeeshaan ka bacdina waxay doonayaan yeelaan allase ma waafajin qaadista tubtii wax ku oolka ahayd fursadahii badnaa ee ay lumiyeen iyo talooyinkii ay ka dul talaabsadeen ayaa keenay caqabadaha ugu wayn ee xilligan xaadirka ah ina hortaagan.

Kala jiidashadii kuraasta ee ka dhexeeyay kooxahii uu hayay damaca maamulku cahdigii bilowgii xoriyadu wuxuu sababay inay galaan khaladaad Siyaasadeed oo sababay in ay madalufiyaan Aayihii dhamaa ee umadani lahayd si liidata oo bilaa shuruud ahna ugula shuraakoobeen dad kale.

Madaxdii koonfurtu markay arkeen liidashada badan damacyaraanta xisaab la’aanta hanyaraanta maqiiqnaanta indha la iyo u daacadnimo la’aanta umadooda ee kamuuqatay kooxihii cadifada la qiiraysnaa ee laabla kaca iyo muxubadu qaaday hogaankana u,ahaa dadkii ku noolaa dhulkii ay gumaysan jirtay Boqortooyadii Britian waxay ku qaabileen qaab jees jees iyo yaraysi ah waxaanay yagleelka midowga labada gobol sees uga dhigeen in aan marna koonfurta lagu wehelin, jagooyinka muhiimka ah sida M/weynaha Ra’iisal wasaaraha Wasaarada Arrimaha Dibada Wasaarada Arrimaha gudaha iyo labada taliye Ciidan.

Haddaba maanta waxa inala gudboon in aynu kooxdii lixdankii si badheedha ugu sheegno wax yeeladay galeen taariikhdana kaga xariiqno baal madow iyaga iyo cid kasta oo dakana maamul ka gashay dalkan iyo dadkanba si ay ugu quustaan kuwa damacu hayaa haddii kale waa asqo iyo jahawareer joogta ah.

C/risaaq Axmed Muuse.

Bedel Garsoore Kuma Filna Caddaaladda

Garsoorayaal cusub oo loo magacaabo maxkamadaha kuma filna in la xoojin karo nidaamka maamulida garsoorka dalka ama in maaro loo helo arrimaha caddaalad xumada ah ee dadweynuhu ay cabashada ka muujiyeen. Sidaa awgeed, xallinta mashaakilka garsoorka in lagu sameeyo baadhitaan qoto dheer waxa sababay in caddaalad xumo garsoorka ihi ay jirto. Daraasadda la sameynayaa waxa khusaysaa arrimo kala duwan. Arrimaha u baahan in si gaar ah loo eego waxa ka mid:

*Nidaamka danbi baadhista ee ka jira saldhigyada booliska.

*Hab dhaqanka booliska ee ku waajihan dadka eedaysanayaasha ah ee aan wali maxkamad la hor keenin.

*Nidaamka danbi oogida ee ka jira xeer ilaalinta.

*Nidaamka garsoorida ee ka jira maxkamadaha.

*Nidaamka diyaarinta dacwadaha marka qof uu mid kale dacweeyo.

Sidaa awgeed, nidaamka garsoorka dalka oo la toosiyaa waxay ka bilaabmaysaa heerka hoose ama heerka saldhigyada booliska iyo heerka xafiisyada sharciga ama qareenka (notary) iyadoo sii maraysa xeer-ilaalinta inta aan la gaadhin heerka ugu danbeeya ama ugu sareeya ee maxkamadaha. Saldhigyada booliska waxay leeyihiin qayb ay ka hawlgalaan danbi baadhayaal. Marka la doonayo in la toosiyo garsoorka dalka ee heer saldhig waxa loo baahan yahay in dhowr arrimood ay qabsoomaan sida:

(1)      in danbi baadhayaashu ay saldhiga ku yeeshaan xafiis dhowr makhsin (rooms) ka kooban isla markaa ku qalabaysan kuraasi miisas, kabadho, faagasyo, makiinada koobiya (photocopy), Iwm.

(2)      In danbi baadhayaashu ay ku shaqeeyaan xaashiyo rasmi ah (official form) oo leh qaab laga heli karo macluumaad muhiim ah, isla markaa leh ugu yaraan afar koobi koobiga sare waxa leh xeer-ilaalinta ka labaad waxa leh laanta baadhista dhexe ka seddexaad Taliyaha, saldhiga, ka afraadna waxa lagu ridayaa kabadhka xafiiska ee saldhiga.

(3)      In danbi baadhayaashu ay leeyihiin aqoon sare iyo khibrad ay ku fulin karaan hawsha ay u xil saaran yihiin.

(4)      In laanta baadhista dhexe ay daba gal ku samayso maxaabista ku xidhan saldhiga iyo xaaladda ay ku sugan yihiin ee dhinaca caddaalada.

(5)      In da’ yarta ragga ah ee iskuulka ka loox tuura la shaqaaleeyo loona tababaro danbi baadhayaal, karaaniyaal, layli sarkaal, Iwm.

Sidoo kale, toosinta nidaamka garsoorka dalku waxay u baahan tahay in dacwadaha uu diyaariyo xafiis sharci (notary) ama qareen lacag dadka ugu adeega marka uu mid kale ashkataynayo. Hase yeeshee kharashka qareenka (legal aid) Dawladda ayuu sharcigu dhigayaa in lagu leeyahay. Waxa kale oo haboon in la saxo nidaamka danbi oogida ee xeer-ilaalinta degmada ay qaabilsan tahay. Arrimaha sixidda u baahan waxaa  ka mid ah:

(1)      in shaqaalaha ka hawlgala xafiiska xeer-ilaalinta degmadu ay leeyihiin aqoon sare iyo khibrad ay ku fulin karaan hawsha loo igmaday.

(2)      In xeer-ilaalinta degmadu ay ku shaqeeyaan xaashiyo rasmi ah oo leh qaab laga heli karo macluumaad muhiim ah, isla markaa leh afar koobi, koobiga sare waxa leh Maxkamadda, ka labaad, xafiiska xeer-ilaalinta guud ee Qaranka, koobiga saddexaad, wasaaradda cadaalada, ka afraadna, waxa lagu haynayaa xafiiska xeer-ilaalinta degmada.

(3)      In da’ yarta ragga ah ee iskuulada ka looxtuura la shaqaaleeyo loona tababaro karaaniyaal iyo saraakiil ka hawlgala degmada.

Halka ugu danbaysa ee laga hagaaajinayo nidaamka garsooridu wuxuu la xidhiidhaa xoojinta nidaamka maamulida maxkamadaha degmooyinka. Sidaa awgeed, arrimo dhowr ah ayaa u baahan in si gaar ah wax looga qabto, waxaana ka mid ah:

(1)      In galalka dacwadaha ee ka yimaada xeer-ilaalinta degmada ama xafiisyada qareenadu ay soo gudbiyaan ay ku soo dhacaan xarunta dhexe. Xarunta dhexe waxay qaabilsan tahay diiwaan gelinta  iyo diyaarinta hanaanka garsoorka.

(2)      In dacwad walba loo diyaariyo xaashida garsooridda oo lagu muujiyay lambarka dacwadda, magaca eedaysanaha, nooca danbiga iyo sharaxaadyo kale, magaca garsooraha, iyo taariikhda garta la qaadayo. Xaashida garsooridda waxa saxeexaya garsooraha sare ee maxkamadaha degmada. Dhinaca kale, xaashida garsooriddu waxay leedahay koobiga u kala tagaya garsooraha dacwadda qaadaya, garsooraha sare ee degmada, iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare.

(3)      In heerka hore ee garsooridda uu garsooruhu eedaysanaha waydiiyo oo kaliya inuu danbiga qabo iyo in aanu qabin (guilty or not guilty). Haddii uu eedaysanuhu qirto danbiga, wuxu garsooruhu sharci u haystaa inuu isla markaaba xukumo. Haddii uu eedaysanuhu ku jawaabo in aanu danbiga loo haysto galin ama qabin, wuxuu garsooruhu dacwadda u gudbinayaa xafiiska garsooraha sare ee degmada si loogu sameeyo baadhis danbe ama dheeraad ah.

(4)      In go’aanka ama xukunka garsooraha ama xeer-beegtida lagu qoro xaashi rasmi (official form), isla markaa ay wada saxeexaan garsooraha dacwadda hayay iyo garsooraha sare ee Maxkamadda degmada, iyo in koobi loo diro xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda sare.

(5)      In go’aanka garsugida (remanded in custody), iyo awooda damiin ka qaadida uu leeyahay oo kaliya garsooraha sare ee degmada.

(6)      In xafiis qaabilsan xidhiidhka dadweynaha oo wada shaqayn la leh xarunta dhexe ee diyaarinta dacwadaha oo dhan. Xafiiskani wuxu ku shaqo leeyahay in dadka maxkamada wax ka raajiciyaa ay helaan warbixinaha ay u baahan yihiin, isla markaana hawlahooda loo fududeeyo.

(7)      In xafiisyada maxkamadaha degmada dib u habeyn dhinaca dhismaha iyo qalabka ah lagu sameeyo.

(8)      In da’ yarta ragga ah ee iskuulada ka loox tuura la shaqaaleeyo, loona tababaro karaaniyaal, saraakiil, iyo waliba garsoorayaal ka hawgala maxkamadaha.

(9)      In shaqaalaha garsoorka dalka loo dajiyo barnaamij magdhaw (compensation program) oo ku saabsan mushahar ku filan, lacagta kirada, kharashka gaadiidka, iyo khayraad kale oo dheeraad ah.

(10)  In miisaaniyadda kharashyada maxkamaddaha degmooyinka lagu kabo cashuurta qiimaha la socota (value added tax) ee ay dawladaha hoose saaraan liisamada ganacsiga iyo cashuurta hantida ma guurtada ah.

(11)  In la adeegsado farsamo  yaqaanka korontada iyo nooca shaqaalaha, qaabka ugu haboon hanaanka fulinta hawlaha.

Talaabada ay dawladdu qaaday ee shaqada lagaga saaray 50 garsoore waxay muujinaysaa sida ay uga go’antahay in garsoorka dalka la toosiyo waxayse u baahan tahay in la saxo nidaamka maamulida ee heer saldhig, ilaa heer maxkamadeed iyadoo la sii marayo xeer-ilaalinta degmada.

C/Raxmaan Siciid Maxamed Hargeysa

Ka Dhextooska Madaxweyne

Ku-Xigeenka & Naxdinta Masuuliyiinta

Tan iyo intii uu geeriyooday Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal ee uu talada Madaxweyne la wareegay Mr. Daahir Rayaale kaahin waxuu dhawaan wada eryay oo uu ka qaaday xilkii dhawr iyo afartan ahaa garsoorka maxkamada kuwaas oo dhibaato ballaadhan ku hayay umada ama Shacbiga Somaliland islamarkaana aan u maamuli jirin labada qof ee meel isku haysta oo aanay kala saari jirin ama aanay kala xaqsiin jirin iska daa laba qof oo ay kala saaraane waxa ay caadaysteen in ay ka qaadaan waxa loo yaqaan laaluush iyaga oon u kala Aabo yeeli jirin dadka walaalohooda taas oo carabka ama hadal haynta loo badinayay oo ay u badinayeen dadka ku nool J.S.L. ayaa uu marqudha qabtay mudane Rayaale laakiin la arki doona sida ay ragga cusub ee hada loo magacaabay xilalka ballaadhan iyo in ay noqoto (ka daroo dibi dhal). Waxa iyana mucjiso ku noqotay bulshada ama umada ku nool J.S.L. sida uu uga dhextoosayo iyada oo aanay cidi ogayn meelaha wasaaradaha iyo wakaaladaha ee aan wali fari ka qodnayn oo waliba ay u hadhay oo uu ka dhex hilaaci doono waa M/weyne ku-Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, kuwaas oo ah wax qabad ballaadhan oo uu marka u horaysa ka bilaabay ka dhextooskaasi 1-Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa 2- iyo ceelasha biyaha ee magaalada Hargeysa geed deeble M/weyne Ku-Xigeenku wax talaaba ah ka qaadin ayaa ay tahay mid goor ay noqotaba uu gudan karo waajibaadka uu mid walba kala kulmay.

Waxa ka sii daran oo maanta warwar iyo walaac haystaan oo farta iyaguna wadnaha ku haya masuuliyiinta iyo Madaxda xilalka sare u haya umada oo isle goorma ayay seefta kula tagi oo laga dhextoosi adiga oo hantida umada laba diglaynaya oo isku dal-dalaya isla markaana isleh may mar qudha ku dhaafto seeftan Ragii lagu miray.

Axmed Cali Muxumed, Hargeysa

Ganacsiga Ku Dhisan Kaga Dayo Iyo Ka Daba Keen Ayaa Inala Hadhay

Shaki kama taagna in bulshada S/land ku horumartay ganacsiga iyo wadaagga suuqa xorta ah, dawlada S/land ay ku dadaashay suurtagalinta, sii balaadhinta iyo sare u qaadida baayacmushtarka layskuma hayo in reer S/land 80% ku nool yihiin ganacsiga.

Waa la ogyahay sida in badaniba yeeshay in dadka dibadu inagaga maqan iyo in joogtaba ay ku hamiyayaan, u heelanyihiin suuqa xorta ah (the free market) oo ay wax soo dajiyaan, dhoofiyaan muran kuma jiro in iibiyeyaasha, iibsadayaasha, iyo shirkadahoo dhanba adduunka tartan iyo barantan kaga dhexeeyo dunida ganacsiga (copetation in the business world) Somalilandna ay si wayn taasi uga jirto.

Laakiin ta igu kaliftay in aan maqaalkan ka diyaariyo waa arrimo la caadaystay oo isa soo tarayay ilaa muddaba taasoo u malaynayo in ay wax u dhimayso hakinaysana xawaarihii iyo isku dheelitirnaai heerkeena baayacmushtari.

Markii hore waxa jirtay arrin ay aad uga caban jireen ganacsada yar yara ee soo koraya.

Taasi waxay ahayd in taajiriinta waaweyn shayga ay jumlad ahaan (whole sale) uga iibiyaan jeeblayaasha oo iyagu ay tafaariiqeeyaan (retails), taasoon iyagu ay wax ka daba heli jireen, ay tujaartuna la tafaariiqeeyaan iyagoo waliba qiimaha hoos uga dhigaya Sidaana ay bakhaarlayda jeeblayaasha ku dilaan.

Waxa taasoo raacday kaga dayo oo ka daba keen aan lagu kala duwanayn.

Haddii uu nin wax soo dajiyo waxna ka faa’iido, maalmo ka dib waxaad arkaysaa Toban kale oo dariiqii uun ku daba maray.

Taasina ay sababto in lays jabiyo oo waxba la kala cuni waayo.

Inta shay uun lays kaga daydayanayo halkan kuma soo wada qaadna karayo laakiin wax la wada ogyahay. Waxa tusaale ah gaadhiga Maark tuuga oo maanta la moodo in shirkada samaysaaba magaalada Hargeysa ku taalo waxaan kula talin lahaa maalqabeenada waaweyn in ay u naxariistaan, naas nuujiyaan, oo aanay la daglayn jeeblayaasha guud ahaana waxaan bulshada reer Somaliland kula talinayaa in aanay meel ka wada abaarin ganacsiga ee la kala baydho.

Xasan Axmed Yuusuf (Afgaab)

Tallaal Dhamaystiran

Barnaamijka Wacyi Galinta Unicef/Haatuf Media Network

Culimada Bulshada ayaa hore u caddeeyey in hooyada oo wax la baraa ay u dhiganto qoyska oo idil oo wax la baray, halka aabbaha barashadiisu ay tahay mid qof qudha ku kooban.

Dhakhtaraduna waxay yidhaahdaan, Badbaadada hooyadu waa badbaaddada qoyska oo idil, halka badbaadinta carruurtu ay tahay badbaaddada iyo horumarka mustaqbalka ummada.

Lixda cudur ee dilaaga ah si looga samata bixiyo Carruurta, waxay dhakhtarradu isku raacsan yihiin, in daawada ugu wanaagsani ay tahay ka hortaga cudurka. Sidoo kale waxay Diinta Islaamku na baraysaa, isla mar ahaantaana ay faraysaa in wax kasta oo aadamaha dihb u keeni karaya in laga hortago, ka hortagaa oo ah ka fogaansho.

Cudurrada dilaaga ah ee lixda ahna, habka ugu wanaagsan ee lays kaga difaaci karaa waa iyada oo lays ka tallaalo. Haddaba waa maxay tallaalku?

Tallaalku waa cudurka jermigiisa oo la soo qaado, la nugleeyo shaybaadh lagaga shaqeeyo, loona diyaariyo hab qofka loo siin karo, si uu jidhka u galo, u tarmo oo uu awood u siiyo jidhka si uu iskaga caabiyo cudurka.

Waxa la isku raacsan yahay in waqtiga ugu wanaagsan ee Carruurta laga tallaalaa cudurradan lixda ah ee dilaaga ihi ay tahay inta u dhaxaysa maalinta uu Dhashay ilaa uu ka gaadhayo 9 bilood.

Madaxa qabyta caafimaadka Unicef Hargeysa Dr. Cawil Xaaji Cali Guure oo faah-faahin ka bixinaya sababaha loo tallaalo Carruurta ilaa 5 jirka ah ayaa sheegay

“In la yareeyo fidista cudurradan dilaaga ah, isla mar ahaantaana loo badbaadiyo Carruurta da’doodu ay ka yar tahay 5-ta sano. Haddii dalka ay ku nool yihiin carruur badan oo ay da’doodu ka yar tahay 5 sano qaabka ugu wanaagsan ee lagu badbaadin karaa inay tahay tallaalka oo la siiyo.

Dr. Cawil waxa uu intaas ku daray in cudurradan oo ilaa hadda aan loo hayn dawo kale, tallaal isku nooc ahna la siiyo dadka ku nool dunida horumartay iyo tan soo koraysa ay habboon tahay in la tallaalo Carruurta.

Tallaalka cudurradani waxay leeyihiin xaddi laga qaadanayo, qaab loo qaato iyo waqti la qaato.

QAAXADA

Tallaalka cudurkan lagaga hortegi karaa waxa loo yaqaan BCG, xadiga la siinayaana waa 0.1ml ama 0.1ml (hadba sida warshaddu ugu soo qorto). Xilliga ugu habboon ama wanaagsan ee Carruurta la siin karaana waa inta u dhaxaysa maalinta uu dhasho ilaa uu gu’ jirsado. Waxaana laga siiyaa maqaarka sare (Inter-dermal injection). Mr. Axmed Xasan oo muddo dheer hawl wadeen ka ahaa xarumaha xannaanada hooyada iyo Carruurta (MCH) ee Hargeysa oo ka hadlaya ahmiyada ay leeyihiin dhowritaanka xaddiga, qaabka iyo waqtiga tallaalka ayaa yidhi “Hubinta xaddiga iyo qaabka tallaalka cudurka laga tallaalayo loo siinayo waa xil waajib saaran hawl wadeennada caafimaadka ee wax tallaalaya, hase ahaatee waxay la wadaagaan mas’uuliyadda marka ay gaadho waqtiga, waana sababta kaadhka loogu sameeyo.”

GAWRACATADA, KIXDA IYO TEETANADA

Tallaalka saddexdan cudur waxa loo yaqaan Tallaalka saddexan DPT.

Tallaalkan waxa Carruurta la siiyaa inta u dhaxaysa 40 habeen ilaa 3 bilood. Qaadashada tallaallada saddexan cudur waa inay u dhexeysaa muddo bil ihi. Waxaana laga tallaalaa muruqa bawdada lugta bidix.

JADEECADA

Tallaalka cudurkan xilliga la bilaabaa wuuka duwan yahay tallaallada 5-ta cudur ee kale. Waxa la tallaallaa Carruurta markay 9 bilood jiraan.

Sababta xilligaa tallaalku uga duwan yahay, waa arrin la xidhiidha cilmi Ilaahay. Carruurtu ilaa ay gaadhayaan 9 bilood.

DABAYSHA (OPV)

Waa cudur naafeeya dadka. In kasta oo uu ku badan yahay Carruurta, waxa uu ku dhacaa qaan-gaadhkana. Waxa la gudoonsaday in cudurkan dunida laga cidhibtiro sanadku markuu yahay 2005. waxaana tallaalkan laga qaataa afka.

Adeegyada Tallaalka

Dr. Cawil Xaaji Cali Guure oo ka hadlayaa adeegyada tallaalka loogu tala galay hooyada iyo Carruurta ayaa u kala saaray kuwa xilligan ama marxaladdan koowaad sidatan:

-          Taallaa joogtada ah. Oo laga helo xarumaha xanaanada hooyada iyo Carruurta (MCH) loona yaqaano (Routine immunization)

-          Habka dedehinta tallaalka (acceleration) oo loogu tala galay in lagu xoojiyo tallaalka joogtada ah. Waxaanay ujeeddadiisu tahay in muddo kooban gudaheeda carruur tiro badan tallaalka la gaadhsiiyo. Waxa la siiyaa kaadh muujinaya tallaallada la qaatay iyo wixii u dhiman. Tallaalkan oo ah kan caasimada Somaliland iyo magaalo madaxyada gobolada ka bilowday 13/7/02 socona doona ilaa 17/7/02 waxa lagu tallaalayaa Carruurta iyo hooyooyinka. Waxaana la siin doonaa Vitamin-A

-          Tallaalka Debeesha oo ku tala galku yahay in dunida laga cidhibtiro, waxa sannadkii lagu soo celceliyaa 3-4 jeer. Ku celcelintani ma aha sida tallaallada kale, oo wax dhib ah ma leh, sida ay dhakhtarradu sheegeen. Waxaase ku kordha awooda difaaca ee Carruurta.

La Soco faa’iidada Tallaalka iyo xidhiidhka tallaalka dadka iyo xoolaha……

    WAADIGA CIYAARAHA

 “Goolashayda Waxaan U Kaydsanayaa Koobka Adduunka”

Ronaldo: Inyar Ka Hor Bilowgii Koobka Adduunka 2002

 

Afar bilood oo keliya markii uu dhaawac ka sokeeyay ayuu Ronaldo u muuqdaa ciyaartoy soo ceshaday dhammaanba xeeladihiisii looga bartay.

Siddeed sannadood kahor ayuu 17-jirka daacadda ahi soo galay Holland, iyada oo ay weheliyaan hooyadii iyo gabadh dhallinyaro ah oo ay wada sheekaysan jireen, ujeedada Ronaldo waxay ahayd inuu u ciyaaro PSV Eindhoven.

Kooxdu waxay dalxiis ku tagtay dalka Mexico, halkaas oo ay ku kulmeen Ronaldo iyo Vampeta oo reer Brazil ah iyo 17-jirka PSV ee Zenden, halkaana waxaa ku dhexmartay sheeko xiiso leh sida uu Zenden ka sheekeeyay sanado kadib.

“Wuxuu ahaa mid edeb badan oo aan dhac-dhac lahayn,” ayuu yidhi Zenden.

Ronaldo markuu Holland tegay wuxuu noqday mid si weyn uga duwan dhallinyarada ay isku da’da ahaayeen, wuxuu ahaa wiil maskax weyn, waqtigiisa inta badan wuxuu ku qaadan jiray kubadda cagta. Inta kale, wuxuu dhegaysan jiray Muusiga loo yaqaano Rap, wuxuuse kuwaa kasii jeclaa heeso-dhaqameedka ‘Sambo’ oo si weyn looga xiiseeyo Brazil.

Wuxuu inta badan ciyaartoyga kale kaga duwanaa dhinaca haweenka oo uu aad isaga ilaalin jiray la macaamilkooda, taasina waxay keentay inuu waqti u helo siduu u noqon lahaa ciyaartoy caalami ah. 18-jir markii da’diisu gaadhay ayuu cid walba ka adkaaday, inkasta oo dhaawac xumi gaadhay, haddana marna may qarsoomin mucjisada ciyaaryahanimo.

Ronaldo waxaa Brazil laga oggolaaday markii uu dhawr bilood oo keliya ciyaarayay kubadda ganacsiga ah. Sidoo kale waddanka Holland ayuu Tuke baal cad ka noqday.

Muddo laba sannadood ah ayuu dunida oo dhan xiddig ka ahaa dadka oo dhamina saaxiibo u noqdeen.

Sannadkii 1997, wuxuu ciyaaray in ka badan 70 kulan, xataa marku dhaawacmay kama hadhin kubadda. Markuu akhriyo wargeysyadu waxay ka qoreen ayaa ka samaysan jiray maqaamka uu ka taagan yahay dunida ciyaaraha.

Arrintaasi waxay ku beertay uur-kutaalo iyo walaac joogto ah, laakiin wuu fiicnaa kahor intii aanu mushkilada kala kulmin kulankii kama-dambaysta koobka adduunka ee 1998, oo uu ku haligmay dhaawac xumina ka soo gaadhay. Afar sannadood kadib ayuu ka soo kabtay, wuxuuna waddankiisa u qaaday koobkii adduunka.

Markaad dhinac ka eegto, wuu u fiicnaa dhaawacu, waayo waxay keentay mar labaad dib loogu yeedho qaranka Brazil.

Muddo badan ayuu dhaawacyo dartii uga maqnaa kooxda Inter, balse markuu bogsaday wuxuu la bilaabay tabobarka, dadka oo dhamina way u duceeyeen. Inter waxay dhawranaysay heshiiskeedii, maadaama uu lacag qaali ah ugu fadhiyay mulkiilaha Inter Massimo Morrati, wuxuu ku hawlanaa sidii Ronaldo ugu ciyaari lahaa. Hase yeeshee, Ronaldo waxaa u muuqatay inuu jidhkiisa dhaawac ka badbaadiyo kahor intaan la gaadhin koobka adduunka, laakiin waxay ahayd mid uu si weyn u deydayi jiray.

Markii uu dib u bilaabay kulamada ayay taasi dad badan u muuqatay.

Dhammaadkii xilli-ciyaareedkii tegay Ronaldo wuxuu daah furay jiritaanka arrintaas markii uu waddanka Holland u tegay inuu kooxdiisa Inter uga qaybgalo kulankii labaad ee wareegii ugu dambeeyay koobka UEFA Cup 2002.

Ooster Wijk, oo ah nin aad saaxiib ay u yihiin Ronaldo ayaa sheegay inuu ciyaartoygu dhayalsanayo wax kasta oo kale oo aan ahayn koobka adduunka. Wuxuu kaleoo sheegay inuu halkan u yimi sidii uu isu muujin lahaa inuu ciyaari karo koobka adduunka, isaga oo weliba is dhawraya si aanu markale fursaddaa u seegin.

Ujeedada ugu weyn ee Ronaldo waxaa ka mid ahaa inuu la sinmo Romario, oo uu koobka adduunka Brazil u qaado, iyo inuu ka aargoosto wadhidii ku dhacday 1998.

“Waxaan u malaynayaa inuu labadii sanadood ee u dambeeyay isu gaabinayay fursada uu hadda helay,” ayuu yidhi.

Xataa shrikada uu xayaysiiska kula jiro ee Nike iyo wakiiladiisa oo kala ah Martrins iyo Pitta, ayaa ugu baaqay inuu ciyaaraha dib u bilaabo, balse hadalkaa mid macno leh kamuu dhigan.

Soo noqoshadiisii dhabta ahayd waxay noqotay saddex bilood kahor markii Brazil kulan saaxiibtinimo la yeelatay Yugoslavia, waxay ahayd markii ugu horaysay ee Ronaldo safto kulan caalami ah tan iyo bishii October 1999, Brazil ayaa ku badisay 1-0 uu u dhaliyay Luizao.

“Wax goolal ah ilaa hadda maan dhalin, balse goolashayda waxaan u kaydsanayaa koobka adduunka,” ayuu yidhi Ronaldo, kadib dhammaadkii ciyaarta, laakiin taageerayaasha Brazil ayaan ku calool-samayn in tabobare Scolari qaadan doono Ronaldo.

Weriyeyaasha ayaa weydiiyay intay le’egtahay rajada uu koobka adduunka ka qabo. Wuxuu ugu jawaabay; “ma filayo wax kale oo aan ahayn dabaal-dega farxada koobka adduunka.”

Markii Brazil ku guulaysatay koobka adduunka waxaa dhammaatay murugadii Ronaldo qabay muddada badan.

Donovan Oo Diiday Inuu Dib Ugu Laabto B. Leverkusen

 

USA (AP) – Kooxda Bayer Leverkusen ayaa sheegtay inay wada-hadal la bilaabayso ciyaartoyga Maraykanka ah ee Landon Donovan, oo isagu hore u sheegay inaanu niyad u hayn ku noqoshada kooxda waqtigiisii ku lumisay kursiga kaydka.

B. Leverkusen waxay Donovan ku bixisay gaadiid-celis (amaah) ay ku siisay naadiga San Jose, kaas oo kaga dhammaanaya bisha October.

“Waxaan ka helay waayo-aragnimo weyn, waxayna igu yeelatay saamayn, weligayna ma ilaawi doono halkaa iyada ah. Dabcan shacbiga Leverkusen waa dad geesiyiin ah oo I jecel, laakiin way u cadahay inaanan doonayn kooxda,” ayuu yidhi Donovan.

Inkasta oo Bayer Leverkusen raadinayso ciyaartoy, haddana wuxuu isagu sheegay inuu caddeeyay mawqifkiisa oo aanu doonayn kooxdaa oo uu ku tilmaamay mid aan la bili ahayn, mustaqbalkiisiina in badan ka dayacday. Hase yeeshee, wuxuu intaa ku ladhay inuu kal-gacal badan u hayo asxaabta, eheladii, iyo tabobaraha intaba.

Donovan kama guulaysan inuu markeliya lugta garoonka geliyo tan iyo intii uu heshiiska la saxeexday Bayer Leverkusen, oo ahayd 1999. markaas oo da’diisu 16-jir ahayd. Wuxuu dib ugu laabtay San Jose oo amaah ku qaadatay, isaga oo aan ciyaar keliya safan.

Intii muddadaa ka dambaysay, marba marka ka dambaysa ciyaartiisu kor bay u sii kacaysay ilaa ay San Jose ku guulaysatay horyaalka dalka sannadkii 2001. waxa kale oo uu wacdaro ka muujiyay koobkii adduunka oo wadankiisu ka gaadhay wareega siddeeda, weliba wuxuu dhaliyay laba gool oo Bruce Arena ku gaadhay wareega saddexaad.

Donovan, wuxuu rumaysan yahay weli inuu mustaqbal ku leeyahay Yurub, laakiin wuxuu ka digay Leverkusen inaanu ku noqonayn, hamigiisana aanay ku jirin. Donovan oo ka hadlaya arrimahaas wuxuu yidhi; “Markaan daacad hadlo, anigu kama werwersani hanaqaadkayga ciyaareed inaan kaga dhabeeyaana waa arrin muhiimad naftayad u leh.”

“Waxaan caddeeyay inaan ka qaybgeli karo tartamada ka ugu sareeya,” ayuu ku daray.

Agaasimaha maamulka Leverkusen Reiner Calmund ayaa isna dhinaciisa sheegay in Donovan dib loogu yeedhayo marka muddada amaahdu u dhammaato. “Donovan markuu dhammaysto xilli-ciyaareedka tartanka Major League, ayuu dib ugu soo laabanayaa, aadna waanu ugu faraxsanahay soo guryo-noqoshadiisa,” ayuu yidhi Reiner Calmund.

 

Baggio Oo Heshiis Cusub La Galay Brescia

Italy (AP) – Ciyaaryahanka Talyaaniga ee Roberto Baggio, ayaa heshiis cusub oo laba sannadood ah lagalay kooxda Brescia oo uu hore ugu safan jiray.

Luulka Talyaanigu wuxuu soo gunaanaday warar la isla dhexmarayay oo tibaaxayay inuu ciyaaraha ka fadhiisanayo, maadaama uu seegay fursaddii koobka adduunka.

Inkasta oo aanay qayaxnayn ujeedadiisu, haddana wuxuu door-biday inuu shaneeyo ciyaartoyga tirada gool-dhalinta 200 ka gaadhay.

Weeraryahankii hore ee Inter iyo Juventus, hadda wuxuu leeyahay 181 gool, waa ka ugu dhow raga kale ee derejadaa tiigsanaya.

Qalliin lagaga sameeyay ruug xilli-ciyaareedkii dhammaada ayaa wiiqay rajadii uu ka qabay ka qaybgalka koobka adduunka. “Waan rabay koobka adduunka, laakiin hadda waan iska ilaaway,” ayuu yidhi Roberto Baggio.

“Weli waan u qalmaa inaan ciyaaro, waxaan filayaa inaan shaqadaa ka qaban karo Talyaaniga,” ayuu ku daray.

“Waxaan rajaynayaa inaan gaadhi karo (200) oo gool sida ugu dhakhsaha badana ugu tallaabsan karo,” ayuu ku daray.

Roberto Baggio, wuxuu ku han-weyn yahay inuu gaadho ciyaartoyga kala ah; Giusseppe Altafina, Gunner Nordahl, Guiseppe Meazza iyo Silvio Piola.

Ciyaartoyga kale ee ku dhaw inay gaadhaan derejada kooxaha heerka koowaad oo ah (200) oo gool waxay kala yihiin weeraryahanka reer Argentine iyo Roma, Gabriel Batistuta oo leh 178 gool iyo weeraryahanka Bologna ee Giuseppe Signori oo isna leh 170 gool.