Haatuf, Cadadki 116, July 16, 2002

“Raali Kama Nihin In Marka Doorashada La Gaadho Loo Kordhiyo Dawladda Talada Haysa”

Axmed Siilaanyo - Guiddoomiyaha Kulmiye oo Hadlayay dadka Reer Burco

Burco (Haatuf): Hoggaamiyaha Ururka Kulmiye,Siyaasiga weyn ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in xisbigiisu uu ku adadag yahay in doorashooyin xalaal ahi dhacaan, raallina aanu ka noqonayn in loo kordhiyo dowladda marka waqtigu ka dhammaado.

Axmed Siilaanyo oo shalay fagaaraha Khayriyadda Burco kala hadlay dadweyne aad u tiro badan oo reer Burco ah waxa uu ka warramay barnaamujka ururka KULMIYE, Istiraatijiyaddiisa siyaasadeed iyo sida uu u arko doorashooyinka dalka ku soo aaddan ee uu ugu diga-roganayo hannaanka xisbiyada badan, isaga oo sheegay in ururkiisu aamminsan yahay hirgelinta tartanka asxaabta badan oo uu ku tilmaamay mid marka laga yimaaddo danta dadka ugu jirta, uu rajo weyn ka qabo in dalka aqoonsi ay u soo jiiddo.

Isaga oo ka hadlaya hannaankan oo dadka reer Somaliland ay ugu dambeysey soddoneeyo sannadood ka hor, dadkuna aragtiyo kala duwan ka qabaan, waxa uu yidhi:

“Runtii waad ogtihiin in Badhasaabka iyo Maayorka ay imminka dowladdu magacawdo, laakiin dunida inteeda kale dadweynaha halkaas deggan ayaa doorta oo asxaabtay ka kala doortaan, madaxda xukumaysa iyagaa doorta oo garanaya waxa uu qabanayo.” Waxana uu raaciyey; “Asxaabta badan waxa loo arkaa inay mucaaradad tahay, maaha  laakiin asxaabtu waa ta ay ku tartamaan xag waxqabad iyo xag horumar;dadkoo qudhina asxaabta badan ma mahadiyaane duniduna waxa laga yaabaa inay ictiraaf inoo soo dedejiso Markaynu asxaabta ku dhaqanno”.

Waxa kale oo uu sheegay in qabyaaladdu aanay tirtirmaynin mar qudha,laakiin hannaanka asxaabta badani uu wax weyn ka beddeli doono.

Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in mucaaradnimada ururkiisu aanay ahayn mid wax burburinaysa, isla markaana wuxuu caddeeyey in aanu ururrada siyaasadda iyo dowladda midna  colaad u haynin, uuna aamminsan yahay in si turxaan la’aan ah loogu tartamo danta iyo horumainta dalka.

“Waar ogaada,waxaan leeyahay haddaannu nahay xisbiga Kulmiye asxaabta kale colaad uma hayno annagu. Dowladda xumaan uma hayno taageeraannu la barbar taagan nahay hadday dowladda dhexe tahay iyo hadday ta gobolka tahay iyo hadday maamulka magaalada tahayba,” ayuu yidhi Siilaanyo waxana uu ballanqaaday in uu ururkiisu la shaqaynayo gacanna ku siinayo dowladda nabadgelyada iyo wixii wanaag dalka ugu jiro.

“Balse, waxa waajib ah in la tilmaamo wixii dowladdu ku khaldan tahay ee ay dhalliilo leedahay, waa waajib in la sheego,” ayuu raaciyey Siilaanyo.

Axmed Siilaanyo isaga oo iftiiminaya khaladaadka ay dadka in badani ka fahamsan yihiin asxaabta badan waxa uu si kaftan ah u sheegay in taageerayaashiisa iyo dadka uu la kulmaa ay kala hadlaan musharraxnimadiisa iyo sida ay u jecel yihiin inuu Madaxweynenimada ku guuleysto.

“…Boqollaalkaa qof ee aan la kulmay waxay ka hadlayeen Madaxweynenimo, waxayna lahaayeen Madaxweyne waannu ku taageersan nahay iyo Madaxweyne maxaad noo qabanaysaa,” ayuu yidhi Mr. Siilaanyo. Isaga oo aragtidaas saxayana waxa uu yidhi;

“Waar asxaabtii dhammayd ma waxad ka soo qaaddeen Madaxweynaha doorashadiisii. Waar maaha sidaas ee walaalayaal doorashada Madaxweynuhu way ugu dambaysaa,waxa ka soo horreeya doorashooyinkii dowladaha Hoose, kuwii gobolada iyo kuwii baarlamaanka. Maanta waxaan jeclaan lahaa in lay yidhaahdo ururka Kulmiyow gacan ma naga siinaysaa waxaan rabaa inaan iska soo sharraxo Duruqsi, Ballidhiig ama Gebiley, taas baan jeclaan lahaa. Waayo, kuwa dowladaha hoose ayaa ugu culus oo cid walboo tidhaahda adduunweynaha gacan baan idin siinaynaa kuwaa bay sheegayaan.”

Siilaanyo, waxa uu sheegy in Sagaalka urur siyaasadeed ee is-diiwaangeliyey uu mid waliba awooddiisa iyo dhaqaalihiisa leeyahay, isagoo gaar u xusay ka xukuumadda ee UDUB uu ugu dhaqaale badan yahay, isla markaana Kulmiye uu ku baaqayo in ururrada oo dhammi midoobaan, ururrada aan midoobayn-na ay wada shaqeeyaan. Waxana uu sheegay in xibigiisa Kulmiye uu ugu ballaadhan yahay, taas oo uu sheegay in ay markhaati u tahay baaxadda dadkii shalay ugu soo baxay fagaaraha Burco.

Axmed Siilaanyo oo ururkiisa Kulmiye ku dhawaaqay bishii May, waxa uu hadalkiisa ku dhaabadeeyey in uu doonayo in ay dalka ka dhacdo doorasho xalaal ah.

“Waxaannu doonaynaa in doorasho xalaal ahi dalka kadhacdo oo nin waliba nasiibkiisa qaato,” ayuu yidhi.

“Raallina kama nihin in marka waqtigii doorashada la gaadho la yidhaahdo doorasho lagama gaadhayo ee Baarlamaanka iyo Guurtidu ha u kordhiyeen dowladda markaa talada haysa,” ayuu raaciyey.

Kulankaas oo ay Siilaanyo ku weheliyeen xubno kale oo ka tirsan ururka KULMIYE, waxa kale oo ka hadlay Duqa cusub ee magaalada Burco Aadan Maxamed Mire iyo Ku-xigeenka Badhasaabka Gobolka, ahna kusimaha Badhasaabka Mr. Yaasiin Maxamed.

Masuuliyiintaasi waxa ay soo dhoweeyeen Axmed Siilaanyo iyo ururkiisa Kulmiye, iyaga oo sheegay inay dhexdhexaad u yihiin ururrada oo dhan.

Duqa cusub ee Burco Mr.Aadan Waqaf oo fursaddaas uga faa’iideysanayey inuu dadweynaha magaalada la hadalo markii ugu horreysey ayaa ballanqaaday inuu dowladda hoose ee Burco uu gaadhsiin doono halkii mar uu gaadhsiiyey Maayorkii Maxamed Xuseen Aadan.

“Anigu waxaan meeshan joogey saddex maalmood, waxaanan u imi dukaan kacay,” ayuu yidhi Aadan Waqaf. “Waxaanan rabaa inaan sidii la arki jirey – kolley gaadhi maynee Maxamed Xuseen waan ku rajo weynahay inaan ku dho-dhoweyno,” ayuu raaciyey. Waxa uu sheegay in aanu jirin dhul dambe oo la bixinayo.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in uu soo dhoweynayo wax kasta oo lagaga baxayo nidaamkii beelaha.

“Waxaan Illaahay ka baryaynaa haddii Xisbigan Kulmiye uu khayr inoogu jiro in Illaah ku guuleeyo, haddii kale kii dalka iyo dadka khayr ugu jiro ku guuleeyo,” ayuu yidhi Aadan Waqaf. “Waxaan mar kale Illaahay ka wada baryaynaa inuu inoo keeno mid ummaddu u wada siman tahay oo inagu hoggaamiya caddaalad iyo wanaag,” ayuu raaciyey.

Hawl-Wadeenada Iyo Shaqaalaha Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Heegan Iyo Feejigo Ku Waajahay Xilliga Kala Guurka Labada Maamul

 

Xil-Wareejinta Maanta: Shaqaale Kor U Dhaafay 800 Iyo Deyn Farabadan Ayaa La Filayaa

 

Hargeysa (Haatuf): Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Hargeysa, C/raxmaan Cismaan Ducaale ayaa shalay heegan geliyey shaqaalaha maamulka ee dawladda hoose, waxaana heegankaas oo la xidhiidha hawsha ay xilka kula wareegayaan masuuliyiintii xilka laga qaaday iyo masuuliyiinta cusub ee xilka loo magacaabay lagu hubinayaa xisaabaadka, kharashaadka la isticmaalay iyo daymaha macaamilka dawladda.

Waxa kale oo ay shaqaalaha dawladda hoose hawshooda heeganka ah ku tiro koobayaan hantida dawladda hoose, sida: Qalabka iyo gaadiidka, sidoo kale waxa heeganka shaqo lagu sugayey tirada iyo xilalka ay kala hayaan hawl-wadeenada iyo shaqaalaha dawladda hoose.

Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Hargeysa, Mr. C/raxmaan Handaraab oo hawsha heeganka shaqaalaha dawladda hoose agaasinkeeda isku duba riday ayaa sheegay inay ujeedadu tahay in loo diyaar garoobo xil-wareejinta masuuliyadda maayarkii hore ee Hargeysa, Cawl Cilmi Cabdalle oo la qorsheeyey inuu maanta xilka ku wareejiyo maayarka cusub ee Hargeysa, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-dheere).

Xil-wareejinta maanta la filayo, waxa iyaguna qayb ka ah maayar-xigeenada 1aad iyo 2aad (Khaliil Ibraahim Xawaadle iyo Maxamed Axmed Caalin-tiinbaro) oo ay xilalka kala wareegi doonaan labada masuul ee cusub ee loo soo kala magacaabay labada jago, kuwaas oo kala ah: Ibraahin Xasan Maxamed (Maayar-xigeenka 1aad) iyo Aadan Ismaaciil Jirde (Maayar-xigeenka 2aad).

Xoghayaha dawladda hoose waxa kale oo uu sheegay in isla maalintii doraad ee uu soo baxay xil ka qaadista madaxdii dawladda hoose uu hubiyey xisaabta dawladda hoose ee baanka taal, taas oo uu sheegay inuu tiro koobay jeegagga aan weli ka bixin xisaabta dawladda hoose (Out standing Cheques).

Xoghayaha dawladda oo ay weriyayaal Haatuf ahi waydiiyeen su’aal ahayd inta uu qiyaas ahaan le’eg yahay daynka xiligan lagu leeyahay dawladda hoose waxa uu yidhi: “Hadda tiro cayiman ma bixin karo, laakiin taasi waxay soo bixi doontaa xiliga xil-wareejinta.”   Hase yeeshee warar xog-ogaal ah oo aanu ka helay ilo u dhuun-daloola arimaha maamul ee dawladda hoose ayaa tibaaxay in daynta lagu leeyahay dawladda hoose ee la doonayo inay ka qaan baxdo ay tahay mid aad u tiro badan oo aanu ku farxi doonin maamulka cusub ee xilka la wareegayaa.

Dhinaca kalena warar kale oo xog-ogaal ah ayaa, iyaguna tibaaxay inay jirto lacag gaadhaysa ilaa $80,000 U.S-dollar oo ah lacag laga ururiyey bacadlaha Waaheen oo ay xisaabteedu baal-martay hab-xisaabeedka iyo khasnadda dawladda hoose intaba. Sidoo kale waxay wararka arintaa la xidhiidhaa tibaaxayaan inuu jiro mad-madow ku saabsan xisaabta lacago laga ururiyey bacadlaha cusub ee suuqa idaacadda, laakiin ilaa ay soo gebagebowdo xil-wareejinta dawladda hoose ee Hargeysa si dhab ah looma xaqiijin karo sida wax u jiraan iyo waxa run ah ama ka been ah wararka ku saabsan xaaladda maamul iyo dhaqaale ee dawladda hoose, waxaase la filayaa in madasha xil-wareejinta la keeno shaqaale 800 kor u dhaafay iyo deyn tiro badan, iyadoo ay hawl-wadeenada iyo shaqaalaha dawladda hoose ee Hargeysa heegan iyo feejignaan dheeraad ah ku waajaheen xilliga kala-guurka laba maamul ee is-bedelaya.

“Inaga Oo Hayna Jagada Ugu Saraysa Somaliland, Haddii Aynu Ku Tumano Dawladnimada Xagee Baad U Socotaan”

Badhasaabaka Awdal

 

Boorame (Haatuf): Badhasaabka gobolka Awdal, ahna Maayarka magaalada Boorame, Maxamed Muuse Bahdoon ayaa shalay shir kedis ah xafiiskiisa kula yeeshay madax-dhaqameedyo cuqaal u badan oo Reer-Boorame ah, wuxuuna badhasaabku si kulul uga hadlay xaaladda nabadgelyo ee gobolka oo uu ku tilmaamay mid inaan muuqaal wanaagsan lahayn, isaga oo dadka Reer-Boorame si ba’ an ugu canaantay inay ku kacayaan falal nabadgelyo daro ah oo aan loo baahnayn.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar kulanka uu badhasaabku la yeeshay madax-dhaqameedka Reer-Boorame waxa kale oo uu ku tilmaamay inay jiraan turxaamo kale oo la xidhiidha hawlaha Cashuur ururinta dawladda, taas oo uu farta ku fiiqay inay jiraan dad cashuurta dawladda ka war-wareega bixinteeda ama diidaa.

“Labadii bilood ee aan xilka hayey waxa ii muuqday wixii Boorame laga sheegi jirey iyo waxa iiga muuqday inay kaaf iyo kala dheeri yihiin,” ayuu yidhi Badhasaabku, laakiin badhasaabku isaga oo tafsiir ka bixinaya waxa uu hadda Boorame ku arkay iyo ra’yigii uu hore uga haystay waxa uu yidhi; “Waxa la odhan jirey Reer-Boorame ayaa nabadda iyo dawladnimada aabe u ah oo dhisay, laakiin anigu taa maan arag ee waxaan arkay odayaal iyo dhalinyaro la dagaalamaya ciidankii nabadgelyada oo jid-gooyo samaynaya, haddana doonaya inay nabadgelyo ku noolaadaan.”

Badhasaabku, isaga oo ka cadhaysan askar dhaawacyo loo gaystay, iyaga oo ku hawlan inay qabtaan nin dhalinyaro ah oo la sheegay inuu ku talaabsaday fal nabadgelyo daro ah, waxa uu yidhi “ ceebteenu banaanka ayey timi, iyadoo Toban askari lagu dhaawacay qabashada ini dhalinyaroa ah oo jebiyey xeerkii heshiisinta kooxaha dhalinyarada ah ee Boorame”.

Badhasaabku waxa uu canaan kulul u jeediyey dadka Reer-Boorame, wuxuuna yidhi “ Waa nasiib daro inaga oo hayna jagada Somaliland ugu saraysa inaynu maanta ku tumano dawladnimada oo aad cashuurta diidaan amarkii dawladdana qaadan waydaan, tuugtiina aad booliska ka reebtaan, xagee baad markaa u socotaan”.

Ugu dambayn waxa uu Badhasaabka Awdal hogaamiyayaasha dhaqanka Boorame kula dardaarmay inay kaalin ka qaataan sidii loo suulin lahaa dhibaatooyinka jira.

Taliyaha ciiidanka nabadgelyada gobolka Awdal ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna ku hanjebey inay ciidamadiisu naftooda difaaci doonaan haddii ay dadka Reer-Boorame inay gacan siiyaan iska diidaan.  “Hadii aad doonaysaan inaad nabadgelyo ku noolaataan jidka aad hadda socotaan ma aha kii loo marayey nabadda ee fadhigaa fadhi ugu noqda” ayuu yidhi taliyuhu.

Cabdi Faarax Abraar, C/raxmaan Jaamac Dhawal iyo Xaaji Cabdi Muruud oo, iyaguna ka mid ah cuqaasha shirka ka soo qayb gashay ayaa hadalo ay iska daba yidhaahdeen ku ballan-qaaday inay maamulka kala shaqaynayaan arimaha nabadgelyada iyo wax kasta oo ay gacan uga baahdaan dhinacooda, kulankaana waxa kale oo goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka ee fadhigoodu yahay gobolka Awdal.

Maamulka Cusub Ee Magaalada

Burco Iyo Hawl-Galladiisii U Horreeyay

“Dadka Dhul-Boobka Caaddeystay Waxaanu Uga Digaynaa In Ay Dhul Jeexdaan”

Maayarka Cusub

Burco(Haatuf): Maamulka cusub ee Dawladda Hoose ee Burco oo muddo shan maalmood ah laga joogo, markii ay xilka kala wareegeen Maamulkii hore, ayaa hawl-galkoodii u horeeyay ku bilaabay olole nadaafadeed oo ay ku qaadeen gudaha magaalada Burco, isla markaana tallaabadii u horaysay ka qaaday dhinaca dhulka.

Weriyayaal Haatuf ka tirsan, ayaa Maayarka cusub ee Burco, Maxamed Aadan Waqaf kala sheekaystay hawlaha uu Maamulkiisa cusubi ku tallaabsaday iyo ku talo-galkiisa mustaqbalka dhow.

“Sabtidii aanu xilka la wareegnay ayaanu tagnay 12-goobood oo qashinka lagu ururiyo oo xashiish yaal, waxaanuna bilownay olole lagu nadiifinayo qashinka, waxaana saddexdan cisho gelayay Wiishash iyo iska-rogooyin,” ayuu yidhi Maayarka Burco, laakiin wuxuu intaa ku daray in ay Khamiista soo socota qaadayaan olole-nadaafadeed ballaadhan oo ay ka qayb-qaadanayaan dadweynaha iyo dhammaan shaqaalaha dawladda hoose, isaga oo Maayarku dadweynaha reer Burco ka codsaday in ay Maamulka Dawladda Hoose kala qayb-qaataan ilaalinta nadaafadda oo ay qashinka ku qubaan goobaha loogu talo-galay.

Maxamed Waqaf, waxa kale oo uu sheegay in ay bilaabeen tallaabo ku saabsan dhinaca dhulka, wuxuuna yidhi; “Hawlaha aanu bilownay waxa ka mid ah; qayb dhinaca dhulka ah, taas oo aanu hakinay iyadoo aanay siyaasaddayada ku jirin in aanu dhul cusub bixino, waxaanuna xoojinay kormeerkii dhinaca dhulka, si aanu qofna u dhisan dhul sharci-darro ah.” Laakiin wuxuu intaa ku daray; “Wixii haysta dhul xallaal ah oo sharciyaysan oo uu iska leeyahay, laakiin aan ahayn danta guud, marka la sugo caddayntiisa ayuu fasax u heli karaa dhismihiisa, waxaanuse uga digaynaa inta caadaysatay dhul-boobka inuu Nin-na iska jeexdo ama iska dhisto dhul aanu lahayn, cidii sidaa lagu qabtana waxaanu horgeynaynaa sharciga,” ayuu yidhi Maayarku.

Ugu dambayntii Maayarka cusubi, waxa uu yidhi; “Dadweynaha reer Burco, haddii ay gacan nagu siiyaan hawlaha naloo xil-saaray iyo gudashada waajibaadka na saaran, waxaanu ballanqaadaynaa hufnaan maamul, adeeg bulsho iyo in aanu si daacad ah ugu shaqayno Burco.”

Illays Oo Beeniyey Inuu La Midoobey HORMOOD

Hargeysa (Haatuf): Xoghayaha Guud ee Ururka ILAYSKA Somaliland Cumar Jaamac Faarax ayaa beeniyey in ururkiisu uu la midoobey ururka Hormood. Hase yeeshee uu sheegey in uu socdo hindise ku saabsan in la mideeyo afarta urur ee ILAYSKA, SAHAN, HORMOOD iyo KULMIYE, kaasoo uu ururkoodu taageersan yahay.

Cumar Jaamac war saxaafadeed uu shalay ka soo saaray Hargeysa waxa uu waxba kama jiraan ka dhigay war ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya Caddadkiisii Isniintii oo sheegaya in labada Urur ee ILAYSKA iyo HORMOOD ay midoobeen laga soo bilaabo Axaddii ee July 13 markii sida warkaasi sheegay Guddoomiye-kuxigeenka Ilays Cabdirashiid cabdiraxmaan Xasan iyo Axmed Muxumad Madar oo ka tirsan golaha dhexe ee Hormood ay heshiis midaynta labada urur ah ku saxeexeen magaalada London ee cariga Ingiriiska.

“Waxaan u caddaynayaa taageerayaasha ururka iyo ummadda Somaliland inaan arrintaa waxba ka jirin, waxna aanay kala socon guddoomiyaha ururka, xoghayaha guud, guddiga fulinta iyo Xubnaha golaha dhexe ee ururku,” sidaa waxa xoghayaha Ilays Mr.Cumar Jaamac.

Hase yeeshee, warsaxaafadeedku waxa uu qiray in guddoomiye-kuxigeenkooda iyo Axmed Muxumad Madar oo ka tirsan Hormood ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan midnimada labada urur, ayna isla gaadheen in haddii labada urur midoobayaan ay arrintaasi ka dhacdo dalka gudihiisa, loona saaro toban xubnood oo labada urur ay ka kala socdaan min shan xubnood.

Waxa kale oo uu sheegay in afarta Urur ee Ilayska, Hormood, Sahan iyo Kulmiye ay u socdaan wadahadallo ku saabsan sidii loo midayn lahaa ururradaas, “si quwaddooda meel la isugu geeyo” ayuu yidhi.

“Ururka Ilayska Somaliland kalsooni weyn ayuu ku qabaa inay afartaa Urur midoobaan,” ayuu yidhi warsaxaafadeedku.

“Ururka Ilayska Somaliland waxa uu diyaar u yahay midaynta ururrada, hase yeeshee, ma jirin mid gaar ah oo uu ururka hormood la galay”.

Warsaxaafadeedku waxa uu intaa ku daray in guddi farsamo oo urur walba laba xubnood kaga jirto loo saaray arrinta midaybta.

Burco: Nin La Dilay Iyo Ilmo Dhashay Oo La Tuuray

Burco (Haatuf):- Maxamed Ismaacil Axmed oo lagu naanaysi jirey (Biish Doolaal) ayaa shalay abbaaro 8:00 Subaxnimo toogasho lagu dilay magaalada Burco gudaheeda. Waxa kale oo uu Booliska magaaladaasi helay maydka Ilmo yar oo hooyadii musqul ku riddey.

Falka toogashada ah ee lagu diley Marxuum Maxamed Ismaaciil lama ogaan ujeedada ka dambeysey, gacan-ku-dhiiglihii geysteyna waxa la sheegay inuu baxsaday.

Haseyeeshee, taliyaha Laanta baadhista dembiyada ee Booliska Burco Cali Jaamac Malow ayaa u sheegay weriyaha Haatuf in ninkii dilkaas geystey oo magaciisa la yidhaado Saleebaan Gabbad uu baxsaday, haatanna uu boolisku ku daba-jiro raacdadiisa. Taliyuhu waxa uu intaas ku daray in aanay garanayn sababta dilkaasi keentay, ayna ku gudajiraan baadhis.

Dhinaca kale, booliska Burco ayaa baadhis dheer kadib helay maydka ilmo yar oo markii uu dhashay musqul ama suuli lagu ridey iyo haweenay la tuhunsan yahay inay iyadu falkaasi geysatey.

Sida ay ku soo warrameen weriyeyaal ka tirsan Haatuf oo Burco jooga ayaa sheegay in maalintii Axaddii ay boolisku heleen Ilmaha yar ee musqulka ku dhintay oo habeennimadii Axaddii dhashay ilaa shalayna ay ogaadeen in haweenaydii Ilmahaas dhashay ay ku jirto cusbitaalka Burco, halkaasna ay ku qabteen.

Sida warku sheegay, gabadha falkaas loo haystaa waxa ay tagtay cusbitaalka Guud ee Burco subaxnimadii Axadda iyada oo ka cabanaysa xannuun ay ku sheegtay “Dhabar-furan”. Hase yeeshee, dhakhaatiirta ayaa waxay sheegeen in baadhis ay ku sameeyeen xannuunka haweenaydaas ay ku ogaadeen in aanay tahay ummul oo ay mandheertii ku noqotay, isla markaana ay booliska la socodsiiyeen arrinta shakiga leh ee haweenaydaas.

Haweenaydaas waxa lagu xidhay cusbitaalka, halkaas oo lagu daweynayo, booliskuna uu ku ilaalinayo.

Sarkaal ka tirsan ciidanka CID-da booliska oo aan magaciisa qariyey ayaa Haatuf u sheegay in haweenaydaasi ay tahay ta dhashay ilamaas. Waxana uu sheegay in baadhistu weli socoto marka ay soo gebagebeeyaanna ay maxkamad horgeyn doonaan.

Aqoon Isweydaarsi Gudniinka

Fircooniga Ah Oo Lagu Soo Gebo-Gebeeyay Boorame

Boorama (Haatuf): Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Muuse Bahdoon, ayaa shalay aqoon isweydaarsi ku saabsan ka hortegga Gudniinka Fircooniga ah u xidhay in ka badan 80-haween ah oo ka kala yimi qaybaha haweenka ee Gobolka Awdal.

Aqoon Isweydaarsigan oo socday muddo toddoba casho ah, ayaa hadal guddoomiyuhu uu u jeediyay ka qayb-galayaasha, waxa uu kula dardaarmay in duruusta ay ku qaateen aqoon korodhsiga u gudbiyaan haweenka aanay u suurta-gelin in ay ka faa’iidaystaan aqoon korodhsigan, waxa kale oo iyaduna halkaa ka hadayshay Guddoomiyaha ururka haweenka ee EVE, Sahra Xaamud Jibriil oo ka warbixisay qaabkii loo soo agaasimay aqoon korodhsigan ka hortagga Gudniinka Fircooniga iyo Duruustii halkaa lagu qaadanayay muddo toddoba casho ah, taas oo ay Culimada Diintu doorweyn ka qaateen.

Ugu dambayntii Sahra Xaamud Jibriil, waxay ka qayb-galayaasha kula dardaarantay in waxay muddadaa ku baranayeen aqoon korodhsigani noqdo mid midho dhalla. Aqoon korodhsigan waxa wada-jir u soo qabanqaabiyay, Hay’adda UNICEF iyo Ururka Haweenka EVE ee magaalada Boorama.


Maraykanka Oo Sheegay

Inaanu Weli Dhammaan Dagaalkii Al-Qaacida

Kaabuul (W/Wararka) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inayna fari ka qodnayn dagaalkii Al-Qaacida oo uu socon karayo sannado, sababta oo ah xoogaga ka tirsan Al-Qaacida iyo ururkii Daalibaan oo weli dagaal ku jira dhaqdhaqaaqooduna weli socdo.

Waxa sidaa sheegay kaaliyaha wasiirka Gaashaandhiga ee Maraykanka Mr. Boll oo haatan booqasho ku jooga dalka Afqaanistaan, isaga oo u kuurgelaya guulaha ay Maraykanku ka gaadheen dagaalkii ay bilaabeen bishii October 2001 oo ay kula jireen dhaqdhaqaaqa Daalibaan iyo xoogaga Al-Qaacida.

Hadal uu u jeediyay ciidamada Maraykanka ee saldhiga ku leh agagaarka Kaabuul, waxa uu sheegay in kala-badh xubnaha Al-qaacida iyo Daalibaan ay hawlgal yihiin oo aan lagu guulaysan in laga takhaluso. Waxaanu intaa ku daray inay sii wadi doonaan la-dagaalanka waxa uu ugu yeedhay (Argagixisada) mar uu ka hadlayay weerarkii ay dhawaan ciidamada Maraykanku ku qaadeen goob Aroos ah oo ay ku dileen 48 qof ayna ku dhaawaceen 177 qof horraantii bishan. Waxa uu sheegay inay dawladda Maraykanku ka xuntahay falkaas oo uu ku tilmaamay inuu si khalad ah ku dhacay, balse ujeedadoodu ahayd inay la dagaalamaan Argagixisada.

Mr. Boll oo shalay booqasho ku tegay dalka Afqaanistaan waxa lagu wadaa inuu la kulmo madaxweynaha Afqaanistaan Mr. Xamiid Karasaay iyo wasiirkiisa Gaashaandhiga Gen. Maxamed Fahiim oo ay isla soo qaadi doonaan joogitaanka ciidamada shisheeyaha ah ee dalka Afqaanistaan, iyo dagaalka lagula jiro Argagixisada caalamiga ah.

Marooko Iyo Spain Oo Ku

Muransan Jasiirad Yar Oo U Dhaxaysa Labada Dal

Rabid (W/Wararka) – Dawladda Marooko ayaa sheegtay inaanay ciidamadeeda ka qaadayn Jasiirad yar oo la yidhaa Layla oo ay ku muransan yihiin Isbayn oo ay maamul ahaan Jasiiradaasi hoostagto.

Jasiiradan yar oo ilaa 200m u jirta xeebta dalka Marooko ayay dawladda dalkaasi ciidamo ku dejisay toddobaadkii aynu soo dhaafnay, iyada oo sheegtay inay kula dagaalamayso argagixisada iyo qaxootiga aan sharciga ahayn ee u gudba Yurub.

Balse waxaa tallaabada ay Marooko qaaday jawaabo kulkulul ka bixiyay dawladda Ispayn iyo Midowga Yurub oo ugu baaqay inay Marooko ciidamadeeda ka qaadato Jasiirada Layla.

Wasiirka arrimaha Dibedda ee Marooko Maxamed binu Ciisa oo ka jawaabayay arrintaasi ayaa maalintii shalay sheegay inaanay ciidamadooda ka qaadayn jasiirada Layla, isaga oo intaa ku daray inay dawladdiisu door-bidayso in xaaladda lagu dhammeeyo wadahadal dhexmara iyaga iyo Isbayn.

Isaga oo ka jawaabayay dalabka Isbayn iyo ururka Midawga Yurub ee ku saabsan inay ciidamadooda ka qaataan Marooko, waxa uu sheegay inay arrinta buunbuuniyeen ayna ka dhigeen xaaladdu meel aanay gaadhsiisnayn.

Ra’iisal wasaaraha Isbayn ayaa toddobaadkan uga digay Marooko sii haysashadeeda Jasiirada Layla isaga oo sheegay inaanay dawladdiisu u dulqaadanayn.

Jasiiradan oo ah mid aad u yar una dhaxaysa labada dal oo aanay wax dad ahi degenayn ayay lahaanshaheeda labada dawladood ee Marooko iyo Isbayn isku haystaan cida maamulkeeda xaq u leh.

Sheekh Loo Haysto Geerida Suxufi

Maraykan Ah Oo Lagu Xukumay Dil Dalka Baakistaan

 

Islamabad (W. Wararka): Maxkamad ku taalla dalka Baakistaan, ayaa shalay dil ku xukuntay Sh. Cumar Siciid oo u Dhashay Baakistaan, haystana dhalasho Ingiriis ah oo loo haysto inuu afduubay oo uu dilay saxafi Maraykan ah oo la odhan jiray Danial Beral oo lagu dilay dalka Baakistaan.

Sida uu sheegay masuul u hadlay Maxkamaddu, waxaa kale oo xabsi daa’im lagu xukumay Saddex xubnood oo kale, kuwaas oo shirqoolka kala qayb-galay Sh. Cumar, magacyadooduna ay kala yihiin; Fahad Nasiim, Sulaymaan Saaqib iyo Sh. Caadil, wuxuuse intaa ku daray in ay dhammaantood xaq u leeyihiin Rafcaan ay ka qaataan Xukunka Maxkamadda.

Dawladda Baakistaan, ayaa adkaysay ammaanka Maxkamadda uu xukunku ka socday oo ah mid gaara oo ay dawladda Baakistaan ugu talo-gashay la dagaalanka Argagixisada.

Ciidamo farobadan oo isugu jira Booliis iyo milateri, ayaa la hor tumay dhismaha Maxkamadda, iyada oo laga cabsi qabay weeraro ay geystaan kooxaha mintidka ah ee taageersan eedaysanayaasha.

Afarta eedaysane, ayaa beeninaya in ay geysteen dambiga loo haysto, iyagoo sheegay in aanay ka qayb-qaadan wax afduub iyo dil ah midna. Warku wuxuu intaa ku daray in 7 kale oo iyagana dambigan loo haystay hore loo sii daayay.

Saxafiga Maraykanka ah ee la dilay, waxaa la waayay 23-kii Janiweri 2002, isaga oo diyaarinayay warbixin ku saabsan ururada Islaamiga ah ee ka jira Baakistaan, waxaase markii dambe la helay cajalad fiidyow ah oo ay ku jiraan sawiro ka hadlaya dilkiisa.


RAADIYOW MA QALOOCSHE

 

Halkani waa Raadiyow Ma Qaloocshe oo aydun kala xidhiidhaan xarunta ilaaqda, iyo maqaaxida kaftanka caddayska leh.

Akhyaartayada indhaha buur-buuranow, waxaa aad shanqadhiisa maqlaysaan waa warkii dunida, waxaana maanta idinku laba rogi doona weriye Mr. War hidheeye ina hirdi maagane:

Warkii oo kambadhuudha

Haydh tuulaha caasimadda Hargeysa iyo labadiisa shoodhe, ayaa casho dhawayd xilka laga fara-maroojiyay, waxaana caggidiiba lagu cayuuqay haydh tuule aad cusaybka yaabto iyo laba istabni oo aan duug ahayn oo loo malaynayo in ay abu-qardaas yihiin.

Warkan oo aan soo ururshay isagoo suuqa habro ku qaybsanayaan, wuxuu sheegay in raggan ay haydh tuulanimada ay u qoonsatay warqad yar oo markhaatiyad ah. Warqadaas yar oo la waraystay ayaa sheegtay in ay goob-joogad ka ahayd oo ay arkaysay haydh tuulaha iyo istabniyadiisu in ay isugu tageen Bogcad yar oo dhul xero daagaanle ah, kadibna inta fagadii yarayd ay kuuseen ayay nin jeebkiisa geliyeen. Jagadan yar oo ahayd edeg baabuurta aaranka lagaga xereeyo gawaadhida harweynka ah.

Jagadaas oo aan markii hore la ogeyn in rag eedayo, ayaa maalin dhoweyd dad mirqaansani dambaabidho ku dumiyeen dhisme laga dulsamaynayay halkaas. Haddaba Madaxyuubka Shankaroonland oo buulkiisa hurda, ayaa ka seexan waayay shanqadha bogcaddaas yar oo waan dhisayaa iyo dhisimaysid lagu wishiiriyay. Madaxyuubku markaasuu qallinka isla kala jiiday oo ku joog-joogsaday warqad Allaheed Alle yahay, warqadaas waxa ku qornaa wax duco-qabayn iyo habaar-qabayn loo kala garan waayay, balse laga gartay markuu arkay xeerka sumadiisu tahay hareed far iyo mareeg qodobkiisa xilka qaadid maayar khashiin ah farqadiisa jiitin, dhegjeex iyo saneeg wow lagu reebay ee iibiyayaal is-goys lagu reebay, farqadiisa iimaan la’aan dhul. Markuu la tashaday qabyaalad qudcinaysa, markuu hidheeyay Gidaar agtiisa ah, Allaba ogyee, wuxuu saddex dalqadood ku furay saddex haydh-tuulo iyo laba nin oo madax ka ahaan jiray Waaxda dilaalidda iyo malaalida dawladda hoose.

Mar kale ayuu Madaxyuubku is laba-rogay oo uu baadhay sanduuqa xil sugayaasha, kuna arkay xildoonadii Qaranka oo rasaysan oo ay ku jiraan rag bidaar leh, iyo qaar basaasyo hore ahaan jiray. Mar kale ayuu Madaxyuubku diiwaanka baandheeyay markaasuu arkay xeerka X. Xisaab-beeleed, xubintiisa xulka diid oo xalka qaado, farqadiisa hebel bedel oo hayb u raadi, lambarkiisa ah kan ka qaad, haddana keer u dhiib kii kastana diidda. Markuu xasuustay, siduu marxuumku wax odhan jiray, wuxuu xilka ku rakibay saddex haydh-tuule oo cusaybkooda laga yaabay. Haydh-tuulayaasha oo aan la hubin in ay yihiin qaar kuwii hore dhaamma iyo in kale, balse la sheegay in ay ka bidaaro weyn yihiin kuwii hore, waxay maanta isku rari-doonaan xilka Naaso islaameed dhexyaal.

Haddaba, haydh tuulaha xilka ka carmaliyeeyay oo ahaa oday uduf-uduf badan oo aalaaba ammaantu ka silitayso, wuxuu dhawr sanno maalin laga joogo ayuu isagoo xiimaya oo ay hayso xumad Maayar, ayuu is-maqiiqid ku qaatay, waxaanu biriq-biriqdii ugu hanaysay ku sameeyay isagoo dayuurad yar u sameeyay Gambadh yar oo ay dul fuusho. Dayuuradaas oo loo haysto dad ay cirka ka soo dhagax tuurtay saban hore, iyadoo tarariisad loo aqoonsaday, waxa Gambadhka loogu sameeyay in aan dadku dilin ee ay halkaas ka caayaan.

Habar suuqa xawaashka ku iibisa, ayaa sheegtay in sidii ay cirka u eegaysay ee dayuuradaas u daawanaysay uu Maayarku weydaartay oo jagadeedii nin kale siiyay; “Intaan cirka eegayay ayaa lay cawaray,” sidaas waxa ku calaacashay Cambaro Xawaashay.

Si kastaba ha ahaatee, Haydh tuulahan hore wuxuu soo maray xilli ay dadka ku habsatay iimaan la’aan dhul, cudurkaas caashaq baloodhka ah oo dadkii ugu badnaa u dhinteen, iyadoo Hargeysana laga helay tirada ugu badan dadka hungurigu dhulka kaga dhacay, iyadoo shuqulkaasi ka mid ahaa waxyaalaha dheg-xumada u soo hooyay Maamulka, waxaana la sheegay in haydh-tuulayaasha laftoodu cudurkaas qaadeen oo ay ku taageereen waraaqaha muranka loo adeegsado iyo saxeexyada is-qabsiga loo cuskado.

Maayar hore oo ceelka Hargeysa ka talin jiray ayaa wuxuu Balwad u lahaa inuu guryaha rinji cas ku qorqoro; Dumi, isagoo kanna balwad u yeeshay Durki.

Dhegeysatayaal maanta warkii halkaasaan sii seexinayaa, imikana waxaan soo toosinayaa, Hees hees ka tagtay oo halkan huruday, waxaana ku luuqayn doonta Fanaannadda codka dhannaan, waa Casaro Fiid, Dharaar:

Muslinyahay islaameed,

Nin mirqaamaybaa yidhi,

Murku kuucsatooy habar

Iyo margi balaqsanow oday

Waa wax laysku mehershaa

Laysaga minxiisaa

Mijo dhuubaneey hees,

Iyo mar maroorsanaw gabay,

Waa wax laysu mehershaa

Dabeed loo mashxaradaa.

Ismaqiiqe maayara,

Marna cunna baloodhada,

Iyo shicib magaaguu

Madax maray damaacigu

Waa wax laysu mehershaa

Laysaga minxiisaa.

Markuu maalmo joogee

Malafsiga galaabuxuu

Meel daran ka tuuraa,

Muusanawga cabashada

Mashaqadu hadhbeeshee

Musuqmaasuqii dhacay

Maandeeqna qarisoo,

Ma Qaloocshe soo sheeg,

Haatuf marag anaa yidhi.

Marka muranka sheekadu

Magaalada dhameeyee

Mafrashyada dhexqaadee

Madaxyuubku dabadeed,

Magan maamulkiisii

Ka marooriyaa galab,

Mid kalena u dhiibaa,

Waa wax lagu mirqaamaa

Lagu maararoobaa.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Xuduudda Hawl-Galka Boolisku

Faa’iido Ayay U Leedahay Nabadgelyadda

C/raxmaan Siciid Maxamed, Hargeysa

 

Xuduudda hawl-galka Boolisku (Police Operations Boundary), waa masaafadda ama dhulka ka baxsan saldhigga ee uu taliyuhu ka mas’uulka yahay. Sida badan hal kiiloomitir oo afarta Jiho ah, ayaa lagu qiyaasaa xuduudda hawl-galka Booliska. Dhinaca kale; Wadooyinka, shawaaricda, is-goysyada ama gooladaha, sekedaha, suuqyada, garoomada, dhismayaasha iyo xarumaha dawladda, iwm ee ku jira dhulka ama masaafadda saldhigga u jirta hal kiiloo-mitir oo afarta Jiho ah, ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay xuduudda hawl-galka booliska.

Sidoo kale, dadka ku nool dhulka Saldhigga ka xiga afarta geesood ee qiyaas ahaan ka fog hal kiiloomitir, ayaa lagu qeexaa in ay tahay xuduudda hawl-galka Booliska. Sidaa awgeed, xuduudda hawl-galka boolisku waa farsamo suura-gal ka dhigaysa in la adkeyn karo nabadgelyadda gudaha.

Siyaabo kala duwan ayay xuduudda hawl-galka boolisku u adkeyn kartaa nabadgelyadda gudaha. Marka hore; Taliyaha saldhigga waxa mas’uul looga dhigayaa xuduud (Borderline) leh lambar gaar ah iyo saldhig leh magac gaar ah oo ku yaal xaafad gaar ah oo ka tirsan degmo gaar ah. Tusaale ahaan; Taliyaha ka masuulka ah xuduudda hawl-galka boolis ee lambarkeedu yahay (H-04), ama xukuma saldhigga Daloodho ee xaafadda Ceyngal ee ka tirsan Waaxda 26-ka Juun ee degmada Hargeysa, waxaa waajibaadkiisa ka mid ah in maalmaha Sabtida ama bilowga toddobaadka uu xafiiska Taliyaha degmada u soo gudbiyo warbixinta xaaladda nabadgelyo ee xuduudda uu qaabilsan yahay. Arrimaha loo baahan yahay in lagu soo bandhigo warbixinta, waxa ka mid ah:

1.       Nooca dambiyada ka dhaca iyo nooca dadka ku lugta leh ee xuduudda hawl-galka booliska ee (H-04);

2.       Meelaha ama goobaha ay dambiyada badankoodu ka dhacaan, sida suuqyada, is-goysyada, sekedaha, garoomada, iwm ee ku jira xuduudda hawl-galka booliska ee (H-04);

3.       Wakhtiyada ay dambiyada badankoodu ay ka dhacaan xuduudda hawl-galka booliska ee (H-04);

4.       Dadka ku nool xuduudda hawl-galka booliska ee (H-04), inta ah shisheeye sharci la’aan dalka ku joogga, haddii ay ku lug leeyihiin fal-dambiyeedyo iyo dhaqan-xumooyin kale;

5.       Haddii ay xuduudda hawl-galka booliska ee (H-04) ay ku nool yihiin dhallinyaro lagaga cawdo xasilooni-darro in ay abuurayaan;

6.       Haddii ay xuduudda hawl-galka booliska ee (H-04) ku sugan yihiin dad si toos ah ama si dadban ugu lug leh ka ganacsiga Maandooriyaha;

7.       Haddii xuduudda hawl-galka booliska ee (H-04) ay dad ka wadaan dhisme aan dawladda hoose ruqsad looga haysan, ama ay joogaan dad faraha kula jira dhul-boobnimo;

8.       Haddii meelaha ku jira xuduudda hawl-galka booliska ee (H-04) ee ay ka mid yihiin is-goysyada, wadooyinka ay dadku maraan ee labada dhinac ee laamiga, iwm ay dad iska degeen, si ay ugu ganacsadaan;

9.       Haddii goob ka tirsan xuduudda hawl-galka booliska ee (H-04) ay si sharci-darro ah isaga degeen dad shisheeye ah oo waliba dalka ku soo galay sifo sharci-darro ah;

10.    Guud ahaan in ay xuduudda hawl-galka booliska ee (H-04) ay ka jirto xaalad abuuri karta xasilooni la’aan iyo qallaanqal ka dambeeyo.

Dhinaca kale, warbixinta ku saabsan xaaladda nabadgelyo ee xuduudda hawl-galka booliska, waxa lagu diyaarinayaa xaashi leh qaabka su’aal qaadida (Questionnaire), ama khaanado lagu buuxiyay macluumaadka loo baahan yahay, si Taliyaha ay hawsha warbixintu ugu fududaato ama loo helo xogaha la doonayo oo ilaa xad sugan.

Marka labaad; xuduudda hawl-galka boolisku, waa farsamo Taliyaha u fududaynaysa inuu jihayn karo ama hawl-gelin karo Ciidanka booliska ee saldhigga, sida ugu haboon ee dambiilaha wax looga qaban karo. Marka lagu shaqaynayo nidaamka xuduudda hawl-galka booliska Taliyaha saldhigga iyo ciidankiisuba, waxay la socdaan noocyada dambiyada, meelaha ay ka dhacaan iyo wakhtiyadda ay dhacaan iyo dadka ku lugta lihi waxay yihiin iyo goobaha ama guryaha laga heli karo marka loo baahdo.

Marka Saddexaad; Nidaamka xuduudda hawl-galka boolisku, waa farsamo lagu heli karo xogaha la xidhiidha kharashyada joogtada ah, kuwa hantida raagta, iyo kuwa mashaariicda ee mid ku baxaa inta ay tahay iyo halka laga rabi karo. Tusaale ahaan; haddii xuduudda hawl-galka booliska ee (BR-02) uu kharashkeedu ka sareeyo ka (TD-03) 30%, waxa la go’aamin karaa in ay jirto sabab fiican oo waajib ka dhigaysaa in kharashka dheeraadka ah la bixiyo, iyo dakhli lagu daboollaa meesha uu ka soo bixi karo.

Marka ugu dambaysa; Xuduudda hawl-galka boolisku, waa farsamo lagu qorsheyn karo nooca iyo tirada booliska, qalabka Ciidanka booliska, xarumaha iyo xafiisyada iyo guud ahaan miisaaniyadda kharashyada.

Hase yeeshee; Xuduudda hawl-galka Boolisku, waxay u baahan tahay in loo sameeyo xuduud walba khariidad (Map) u gaar ah oo lagu muujiyay wadooyinka, is-goysyada, suuqyada, sekedaha, garoomada, xafiisyada iyo xarumaha dawladda, guryaha ay ku jiraan masuuliyiinta sare ee dawladdu, iwm iyo in booliska lagu tababaro.

Sidaa awgeed; waxaan soo jeedinayaa in caasimadda laga hirgeliyo mashruuc tijaabo ah oo la xidhiidha xuduudda hawl-galka booliska oo ka kooban 10 xuduudood.

DAYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

Cumar Daahir Cumar

Dhammaystir Ayay U Baahan Tahay Hawshii Dadka

Hargeysa Laga Badbaadinayay Suntii Xerada Ayaxa (DLCO)

Xarun weyn oo ay lahayd hay’adda la dagaalanka Ayaxa qaybteeda Bariga Afrika (Desert Locust Control Organization, East Africa), ayaa ku oli jirtay dhinaca koonfur-galbeed ee magaalada Hargeysa.

Dagaaladii sokeeye ee 1988-91 ayaa sababay in ay xeradaasi dayacanto oo sun ku jirtay foostooyin ayaa lagu qubay dhulka, taas oo keentay inuu suntaasi roobku soo qaado oo ay soo gasho dooxa Hargeysa, oo sannadkii 1991 ahaa ilaha biyaha ee Hargeysa, intii aan dib loo hagaajin biyaha Geed-deeble oo ay hawshaas fulisay hay’adda UNICEF.

Aqoonyahan ay keentay hay’adda UNICEF oo arrintaas baadhay sannadkii 1993 ayaa shir-jaraa’id ku caddeeyay waxyeelada ay suntaasi ku keentay degaanka Hargeysa iyo khatarta caafimaad ee ka iman karta cabida biyaha dooxa Hargeysa oo ay soo gashay sunta ay daadadka roobku ka soo qaadeen xero-Ayaxda Hargeysa oo ku taala meel taaga, marka loo eego dooxa Hargeysa.

Hay’adda FAO (Food Agriculture Organization), ayaa gacan ka geysatay ingidaar lagu wareejiyo meel ay dad aan aqoon u lahayn ka guran jireen hadhaagii suntaa.

Waxaa kale oo FAO u samaysay si ku meel-gaadha 5 ilaaliye oo suntaa ka ilaaya gurashadeeda dadka, laakiin ilaaliyeyaashii guno la’aan ayay uga tageen muddo kadib.

Waqtigan hadda waxaa jirta in ay suntii ka soo urto halkii istoodhada u ahayd ama lagu daadiyay ee xerada Ayaxa.

Urinta suntu (Inhale) waxay ka mid tahay qaababka ay suntu waxyeelada ku gaadhsiiso dadka.

Waxaa kale oo xusid mudan in dhawaan halkan dadka degan looga dhisay iskuul la doonayo in caruuri wax ku barato, iyada oo urta suntaa Ayaxa ay halkaa soo gaadhayso.

Haddaba waxay arrintani baaq u tahay in la dhammaystiro wax ka qabashada arrintaa oo la gaadhsiiyo heer aan waxyeelo u lahayn dadka degaankaa iyo degaankaba.

Wacyigelinta Ilaalinta Dhirtu Waa Lama Huraan

Dhirta dabiiciga ah ee ka baxdaa dhulka Somaliland ama ka bixi jirtay way noocyo badna yihiin, waxayna nooc wal oo dhiri ka bixi jireen ama ka baxaan hadba degaanka ku habboon inay ka baxaan.

Dhirtu waa astaan nololeed degaanka ka baxda, dhinaca kale dhulka bilaa dhirta ah ee aan daaqna lahayn waa muuqaal ka fog nolosha ama lama degaan.

Iyada oo dhirta iyo daaqu ay leeyihiin faa’iidooyin toosa iyo kuwo dadban sida xoolaha cuna daaqa iyo dhirta oo aynu ka helo hilib, caano, subag iyo harag ayaa waxaa muuqda in degaanada miyiga iyo meelaha kale ee magaalooyinka dhexdeedaba inay jirto dhirta oo si xun oo aan loo aabo yeelayn loo jarayo, iyada oo loo isticmaalayo dhuxul, ood, ama dhisme dergadeed. Intaa waxaa dheer dhul badan oo dhirta laga jaray, iyada oo uu qof ama qoys uu qorshaystay inuu ka dhigo beer, laakiin aan la beerin, muddo dheer ama inyar uun laga beero.

Arrintan waxaa qurux badan inaan la jarin dhir ku taal meel, ee lagu dhaqmo qaabka casriga ah ee loo yaqaan (Agroforestry), oo la mataanaynayo wax beerista iyo ilaalinta dhirta dabiiciga ah.

Dhinaca ooda, inta uu qofku u baahan lahaa ood uu ka soo jaro geedo ama geed dhanba uu jaro, si uu ood uga dhigto, waxaa ka faa’iido badan, isaga oo ijaarka beerta ku beera dhimbiisha garanwaaga geedka loo yaqaan, geedkaasi markuu baxo isaga oo isku dhawdhaw, waxaa la isku maraa laamaha geedaha oo marka ay geedahaasi iyaga oo isku maran ay baxaan waxay noqdaan ood geed nool oo ijaar u noqonaysa beertii. Dhinaca kalena dhaameel iyo dhir ayay u noqonaysaa degaanka.

Dhinaca dhuxusha waxaa haboon in dadka miyiga ku nool ee dhuxulaysta la fahamsiiyo in shilimaadka ka soo gala dhuxusha ay ka miisaan badan tahay dhibta gaadhaysa degaankooda ay ku nool yihiin. Haddiise ay ka maarmi waayaan waxaa fiican in dhirta qalashay oo keliya loo isticmaalo dhuxulaysiga arritan.

Waxaa iyana caawinaysa isticmaalka guud ee nooca girgirayaasha ee tashiila dhuxusha si ay u yaraato baahida dhuxusha dhirtii badnayd ee la jarayayna ay u badbaado.

Arrintani waxay u baahan tahay wacyigelin lagu sameeyo dadka gacmaha kula jira hawsha dhir-jarista ah, waxayna hawshani lagama maarmaan tahay inta aan dhibaatooyinka xaalufinta degaanku gaadhin heer ka sii halisaysan ka ay maanta marayso.

Hawshan waxaa iyana kaabi karta dhaqaalaynta ciida iyo farsamooyinka biyaha socda looga faa’iidaysto si ay ciida u galaan kadibna ay keenaan daaq iyo dhir ka baxda.

Marka arrintan la eego waxaa soo baxaysa in horeba dhir badan loo jaray, degaankana la gaadhsiiyay dhibaato ay waxyeeladeedu saamayn weyn ku yeelan doonto guud ahaan dalka oo xataa kii sameeyay uu ka mid noqon doono dadka ay dhibtaasi waajihi doonto.

Degaanka dhawrta dhirtiisa iyo daaqiisa, waxaa dhacda in ay abaalka ka helaan xilliyada uu jiilalku dheeraado oo ay xaab iyo dhaameel uga helaan xoolahooda ay ku nool yihiin.

Arrintan daryeelka degaanka ee Somaliland waxay u baahan tahay wacyigelin ballaadhan oo lagu fahamsiiyo inta badan dadka ku nool tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah. Sidoo kale dadka ku nool magaalooyinka fahamkooda faa’iidada dhirta iyo ilaalintooda waxay kaalin weyn ka gelaysaa kor u qaadida daryeelka degaanka, maadaama ay magaalooyinka ku nool yihiin dad tiro badan.

Laf-dhabarta arritan wacyigelinta ilaalinta degaanku ee Somaliland waa fahamsiinta dadka qiimaha dhirta ama degaanka ay dadku u geystan dhib la fudud marka ay geysanayaan, laakiin aynu xusnay inay sababayso lamadegaan, xoolo la’aan, caafimaad xuno iwm oo lasoo dersa dadka ku nool degaankeena.

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Ibraahim (Guray)

Tabobare Metsu Oo Heshiis Cusub Lagalay Al-Cayn

Dubai (BBC) – Tabobaraha Senegal Bruno Metsu ayaa heshiis shaqo oo cusub la galay kooxda Al-Cayn ee Imaaraadka Carabta.

Tabobaraha timaha dheer ee Faransiiska ah oo xulka Senegal gaadhsiiyay wareega siddeeda ee koobkii adduunka oo dhawaan dhammaaday heshiiska uu saxeexay waa muddo hal sano ah.

Sarkaal u hadlay kooxda oo lagu magacaabo Xamad bin Nikhayrat ayaa daboolka ka qaaday xaqiiqada heshiiskaa, balse wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo qiimaha maaliyadeed ee ay kula heshiiyeen tabobaraha, inkasta oo ay wararku sheegayaan in qiimaha heshiisku yahay hal milyan oo dollar, ma cadda in Metsu ku soo laabanayo tabobarenimada Senegal markuu heshiiskani u dhammaado.

Tabobare Metsu, wuxuu qabanqaabiyay kulan uu la yeelanayo madaxweynaha Senegal Abdoulaye Wade, oo uu kala hadlayo bal siday suurtogal u tahay inuu shaqadaa qabto, kadibna kasoo laabto markay 10-ka bilood u dhammaadaan.

Mudadaa 10-ka bilood ah ee uu maqnaanayo waxay Senegal yeelanaysaa saddex kulan oo tartamo caalamiya ah, kuwaas oo ay la yeelanayso Lesotho iyo Gambia.

Waxaa la rumaysan yahay inuu ka qalabqaatay Senegal, waayo wuxuu buuxsaday baytariyadii, xisaabtii bangiyada uu ku lahaana wuu ka faraxashay.

Go’aanka tabobare Metsu oo ahaa mid kedis ah oo aanu cidna ku wargelin ayaa ka fajiciyay dhammaanba maamulka iyo ciyaartoyga xulka qaranka.

“Aad bay iiga yaabisay, waayo haddii uu Metsu tegayo muxuu noo wargelin waayay,” ayuu yidhi agaasimaha farsamada ee Senegal Mr. Man Sow.

Sidoo kale Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta, Malick iyo agaasimaha maamulka Oumar Ndiaya, ayaa caddeeyay inaanay waxba kala socon go’aanka Metsu qaatay.

Guud ahaan tallaabada Metsu qaatay waxay u egtahay inay uga dhammaatay Senegal oo uu ka xamaano-urursaday.

Dabcan haddii loo oggolaado inuu markale kusoo laabto shaqada waxay noqonaysaa inuu heshiis kale galo.

Freeman Oo Orodada Dib Ugu Soo Laabatay

Horyaalka 400m ee Olympiga adduunka Cathy Freeman ayaa caddaysay inay ordayso tartanka ay bishan yeelanayaan wadamada Barwaaqo-sooranka (Common Wealth Games), oo ka dhacaya magaalada Manchester ee waddanka Ingiriiska.

Xiddigta reer Australia oo ka qaybqaadata orodka qori isu-dhiibka ah ee 4x400m, waxay ka hadhay orod kale oo 30 May dhici lahaa, iyada oo ka bixi kari weyday saygeeda Sandy Bodecker oo bukooday darteed.

Freeman 18 bilood ayay fasax ka qaadatay tartamada caalamiga ah, kadib markii ay ku guulaysatay billaddii dahabka ee Sydney. Sannadkana waxay ka baaqatay horyaalka qaranka Australia markay dhaawac dartii awoodi wayday.

29-jirka reer Australia waxay sheegtay in saygeedu hadda u fasaxay ka qaybgalka tartanka Manchester.

“Aad buu ii garanayaa inaan u boholyoobay orodkaygii, dabcan qayb libaax ayuu ku lahaa sidan aan ahay, wuuna igu dhiirigeliyay inaan tago,” sidaa waxa tidhi Freeman oo sharraxaad ka bixinaysa imaanshiiyaheeda Manchester.

Inkasta oo aanay orodyahanadu si weyn ugu diyaargaroobin tartanka, in muddo ahna ay garoomada orodada ka maqnayd, hadana waxay muujisay kalsooni wayn oo ka dhalatay dedaal dheeraad ah oo tabobareheedu u fidiyay.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan marlabaad qayb ka noqdo xulka Australia,” ayay tidhi Freeman.

Kulamada Common Wealth-ka waxaa calaamad u noqotay soo laabashada Freeman oo figta sare kaga jirta tartamada ay tan iyo tartankii Olympiga ee September 2000.

“Umaan soo baqooleen tartankan haddaanan taageero buuxda ka haysan saygayga. Markaan dhammaysto orodka tareenka ayaan dib u raacayaa, waayo ninkaygii ayay dawo u socotay,” ayay ku dartay.

Cathy Freeman, oo ka hadashay rajada ay tatanka ka filayso ayaa sheegtay inay ku dedaali doonto sidii ay billado ugu soo hoyn lahayd waddankeeda hooyo.

“Maan samayn diyaargarow aan tartanka kaga qaybgalo, laakiin waxaan kaashanayaa wadnahayga iyo saaxiibaday oo aan hagranayn waddankayga,” ayay ku tidhi gabadha orodyahanada ahi.

Ferdinand Oo Maanta Kala Dooranaya Leeds Iyo Manchester

London (Reuters) – Difaacyahanka Rio Ferdinand ayaa tabobaraha cusub ee Leeds United u sheegay inuu go’aan kama-dambays ah siinayo maanta oo Salaasha ah oo uu kala dooranayo Leeds iyo Manchester-ta uu isugu luga-duwanayo.

Difaaca xulka England Ferdinand oo Axaddii doraad tabobaraha Terry Vanables kula kulmay magaalada London, kadib markii uu ka soo laabtay fasax uu ku tegay Las Vegas.

Waxa la garwaaqsan yahay in Ferdinand ugu sheegay Venables inaanu u dayrin Manchester United, maamulaha Sir Alex Ferguson ayaa isagu caddeeyay inuu heshiis la gaadhay oo ay is afgarteen xiddiga difaaca England.

Hase yeeshee, Ferdinand oo la weydiiyay Axaddii waxay ku wada hadleen tabobare Venables ayaa sheegay inuu qabsaday muddo 48 saacadood gudahood ah inuu ku sheegi doono go’aanka halka mustaqbalkiisu ahaan doono.

“Waxa jira dad badan oo aan rabo inaan arrinta kala hadlo, waxaan dhegaysanayaa wixii ay qaraabadayda iyo saaxiibaday igula taliyaan kadibna maskaxdayda ayaan la kaashanayaa,” ayuu yidhi Ferdinand.

“Waa tallaabo geesinimo, inaan caddeeyo waxa maskaxdayda ka guuxaya. Venables wax kasta oo aan ula tagoba wuu yeelayaa. Waxaan u hayaa xushmad weyn qof ahaan iyo tabobare ahaan intaba,” ayuu ku daray.

Ferdinand wuxuu kaloo sheegay in natiijadu ku xidhnaan doonto intay le’eg tahay doonistiisu, balse aanu xaaladda ku qiimayn doonin qorshaha hadda u yaala Leeds iyo Venables.

Inkasta oo uu ku tilmaamay nin uu qaddariyo haddana wuxuu caddeeyay in Venables aanu ka baajin karin qorshaha uu goosto, iyo inaanu ku dirqiyi karin inuu la joogo midna.

Manchester United ilaa hadda ma goosan qiimaha ugu dambeeya ee ay ku doonayaan Ferdinand. Hase yeeshee, go’aanku wuxuu ku xidhnaanayaa hadba go’aanka uu ku gaadho inuu sii joogayo Leeds iyo inkale.

Manchester waxay ku dhawaaqday qiimaha ay ku doonayso ciyaartoyga oo ah 30 milyan oo gini. Hase yeeshee, Leeds haddii laga tegi waayo waxay ku doonaysaa ilaa 40 milyan oo gini.

Tabobaraha Manchester United Sir Alex Ferguson oo horraantii toddobaadkan ka hadlay xaaladda kooxda ayaa caddeeyay in ay ku adkaatay iibsashada ciyaartoy badan oo ay doonayeen, qaarkoodna ay ku guuldaraysteen markii kooxo kale kaga xoog roonaadeen, hase yeeshee wuxuu sheegay inaanay weli ka quusan Rio Ferdinand.

Ferguson wuxuu tilmaamay in weli war ugu laaban yahay. Arrintuna ay ku xidhan tahay hadba go’aanka ciyaartoygu qaato.

Manchester oo sanadihii u dambeeyay wacdaro ka muujisay ciyaaraha oo ay koobab badan ka haleeshay ayaan sanadkii ugu dambeeyay wax koobab ah ku guulaysan, taasina waxay keentay in maamulka kooxdu dedaal adag u galo sidii ay ciyaartoy muhiim ah u soo iibsan lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka Ferdinand ee maanta ayaa kala sooci doona dhinaca guushu raacdo, iyada oo dad badanina saadaalinayaan inay Manchester u dhawdahay hanashada difaaca dhallinyarada ah.