Haatuf, Cadadki 118, July 19, 2002

Dawladda Somaliland Oo Caddeysay In Talyaanigu Olole Cadaawadeed Oo Ka Dhan Ah Ka Wado Midowga Yurub

“Haddii aad rabtaan in aad Koonfur wax u qabataan, waxaanu qabnaa… in aad dalkan cadkiisa meel iska dhigtaan”

Madaxweyne Rayaale oo la kulmay Danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya

 

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku wargeliyay Danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Carlo Ungaro oo booqasho ku jooga Hargeysa in dawladda Somaliland ay ka xuntahay mawqifka diidmada ah ee dawladda Talyaanigu ay markasta kaga soo horjeedo gooni-isu-taaga Somaliland gaar ahaan doorkii uu ka ciyaaray shirkii ugu danbeeyay ee midwoga yurub uu ku gorfaynayay arrinta Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Isla markaana wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ayaa iyaduna u dhiibtay Danjire Ugaro qoraal rasmi ah ooay dawladda Talyaaniga ku weydiisanayso inay faah-faahin ka soo bixiso olole colaadi ku dheehan tahay oo dawladda Somaliland ka war heshay in Talyaaniga ka sameeyay shirkii u danbeeyay ee midowga yurub iyo kuwo kale oo lagu soo qaaday qadiyada Somaliland.

“Waxaannu ka xunahay in Talyaanigu mar walba ay ka soo horjeedaan qaddiyadda Somaliland sidaa ay ka muujiyeen shirkii ugu danbeeyay ee Euda” ayuu Madaxweyne Rayaale ku yidhi Ambassador Carlo Ugaro oo uu shalay subaxii ku qaabilay xafiiskiisa sida uu sheegay warsaxaafadeed uu kulankaa kadib soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdi Idiris Ducaale.

 

“Iyagoo (Talyaanigu) ogsoon in Somaliland iyo soomaaliya ay ahaayeen laba dal oo kala gaar ah ayay haddana ugu muujinayaan(dunida) gobol dalkiisa ka go’ay iyaguna ay midnimadiisa u ololaynayaan” ayuu raaciyay Madaxweyne Rayaale.

Sida warsaxaafadeedku sheegay Danjire Ugaro, waxa uu safarkiisa ugu macneeyay Madaxweynaha mid la xidhiidha  tacsida Madaxweynihii hore ee geeriyooday iyo u hambalyaynta hogaamiyaha cusub ee ku yimid isbedelka dastuuriga ah iyo waliba ogaanshaha xaaladda ka jirta Somaliland. Madaxweyne Rayaale-na waxa uu u sheegay inay beenowday Riyadii codawga Somaliland uu faafinayay ee ahayd “haddii ina Cigaal ka tago Somaliland way burburaysaa” waxaana marag ma doon ah ayuu yidhi shacbigani uu yahay mid arrimihiisa maamusha oo qaddiyaddiisa gooni-isu-taaggu ay ka go’antahay.

 

Waxa uu sheegay in Shacbiga Somaliland uu kaligii xallishay arrimihiisa gudaha, kana heshiiyay wixii khilaaf ahaa. Kadibna uu dhistay dawladdiisa u gaarka ah oo ku salaysan go’aanka shacbigu kula soo laabtay qaranimadooda 18 May 1991kii taasoo uu yidhi waxa dhidibada u sii aasay dhaqanka dastuurka uu shacbigu ugu codeeyay 97% waxana uu sheegay in dastuurkaasi uu lagama noqdaan ka dhigayo aayo ka tashiga ummadda Somaliland isla markaana uu u suura galiyay inuu Somaliland ka dhaco isbedel ay yar tahay waddamada soo koraya meel uu ka dhacay. Warsaxaafadeedku waxa uu intaa ku daray in sidaas darteed Madaxweynuhu weydiiyay Danjire Ugaro sababta Talyaanigu ugu sii dheggan yahay mawqifka cadownimada u muujinaya Somaliland.

 

Sida warsaxaafadeedku sheegay Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu la soo qaaday danjiraha in labadii dal ee ay kala gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu ee midoobay aanu jirin Axdi midnimo oo dhexmaray oo ay saxeexeen labadii baarlamaan (Act of union of 1960). Iyadoo sida uu qorayo xeerka qaramada midoobay, Somaliland ay wada jir uga diiwaan geliyaan Q. midoobay june 26,1960.

 

“Anaga oo ka xun mar walba in mawqifkiinnu uu kaayaga ka soo horjeedo haddii aad rabtaan inaad Koonfur wax u qabataan waxaanu qabnaa inaad garwaaqsataan xaqiiqda jirta oo aad dalkan cadkiisa meel iska dhigtaan” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale sidaa uu sheegay warsaxaafadeedku. Waxana uu tilmaamay in Somaliland oo qaranimadeeda loo oggolaadaa ay wax weyn ka tarayso xallinta mushkuladda Soomaaliya oo ay Somaliland beesha Caalamka ka caawin karto xallinteeda isaga oo xusay in Somaliland ay cid kasta oo shisheeye ah kaga haboon tahay nabaddaynta Soomaaliya.

 

Sidaa warsaxaafadeedku sheegay Danjiraha talyaaniga Ambassador Carlo Ungaro wuu ka warwareegay inuu abbaaro oo uu ka jawaabo su’aalaha iyo doodda uu Madaxweynuhu hordhigay ee ku aaddan mawqifka Talyaaniga ee qaddiyadda Somaliland waxana uu ku af-gobaadsaday ayuu yidhi warsaxaafadeedku in caawimada ay siiyaan dalkii Soomaaliya la odhan jiray ay inta badan Somaliland siiyaan.

 

Mr. Ungaro waxa uu sheegay inuu ogyahay dastuurkii ay dadku u codeeyeen waxan uu yidhi “mana qabo inuu jiro mawqifka duwan ka qaramada midoobay African Unite Euda oo talyaaniga uu si gaar ah u wato” hase yeeshee waxa jira ayuu yidhi doodo lagu kala gedisan yahay sidii loo maarayn lahaa dhibaatada Soomaaliya.

 

Bishii hore ee June wadamada Midowga Yurub waxay yeesheen kulan ay ku eegayeen mushkilada Soomaaliya iyo u qiimaynta siyaasadooda ku wajahan ayaa waxay ku kala qaybsameen arrinta Somaliland markii uu ku qancay waxa ay qabsatay Somaliland iyo waddada horumarka ee ay hayso, isla markaana waddamada qaar ay ku taliyeen in dadkaa la dhiiri galiyo, loolana macaamilo si ka duwan Soomaaliyada kale ee shaqaaqadu ka dami weyday. Hase yeeshee dawladda Talyaaniga ayaa la sheegay inay aad uga ololaysay arrintaas, waxayna talyaaniga iyo dhawr dal oo uu duufsaday ku doodeen in Soomaaliya ay mid tahay, midnimadeeduna muqadas tahay iyaga oo food saaro ka dhiganaya xeerarka OAUda iyo Q.Midoobay.

 

Doodaas oo weli ka socota Brussels ayaa Danjiraha Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa Ambassador Wickstead oo dhawaan booqasho ku yimid Hargeysa waxa uu sheegay in wadamada qaddiyadda Somaliland oo ay hormuud u yihiin Ingiriiska iyo wadamada yurubta woqooyi ay ilaa iyo hadda ku guulaysteen in meesha laga saaro kelmado ay ka mid yihiin midnimada Soomaaliya waa muqadas” iyo  in la ilaaliyo xudduuda dalkii Soomaaliya” kuwaas oo uu sheegay in loo daayey Soomaalida laftooda iyo sidoo kale in Somaliland qayb ka tahay dib u heshiisiinta kooxaha Soomaaliyada qasan.

 

Danjire Wickstead waxa uu si cad u sheegay in Siyaasadda cusub ee Midowga Yurub tahay in marka hore shirka Nayroobi lagu heshiisiiyo kooxaha Soomaaliya. Maamulka halkaa ka soo baxana ee Soomaaliya dabadeed ay dawladda Somaliland ka wada hadlaan aayaha labada dal iyo xidhiidhkooda mustaqbalka. Waxa kale oo meesha laga saaray ayuu yidhi in Soomaaliya ay noqoto sidii ay ahayd 1991kii. Sidaas darteed maamulka halkaa laga dhiso iyo ka Somaliland natiijada wadahadalkooda ay u door leeyihiin inay kala go’aan iyo in ay isugu yimaadaan hab federaali ah.

 

Dhinaca kale Danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Carlo Ungaro ka hor shalay intii aanu u tegin Madaxweyne Rayaale waxa uu la kulmay Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland mudane Maxamed Siciid Maxamed (Gees) oo gacanta ka geliyay qoraal rasmi ah oo ay dawladda Somaliland kaga dacwoonayso ololaha Talyaanigu ka wado midowga Yurub dhexdiisa ee uu kaga soo horjeedo qaddiyadda Somaliland waxay aad uga xun tahay inay ogaato ololaha joogtada ah ee Talyaanigu ugu jiro midnimada Soomaaliya ee ay ka wado midowga yurub dhexdiisa, waxayna ka codsanaysaa inuu Talyaanigu joojiyo hawshaa cadowtinimada iyo waxyeelaynta ah” ayuu yidhi Qoraalkaasi.

 

“Ololaha Caalamiga ah ee Talyaaniga ee ka dhanka ah rabitaanka aqlabiyada dadka Somaliland waa mid qiimo dhac ku ah dimoqraadiyadda casriga ah” ayuu yidhi taas oo ay dawladda ka digtay in go’aanka noocaasi ihi uu xumaynayo niyada wanaaga u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo talyaaniga. Waxayna abaalka dawladda ku weydiisatay Talyaaniga ujeedada ka danbaysa ololihiisa iyo inuu cadayn ka bixiyo warbixintiisa iyo ficilladiisa dhawaan khuseeya Somaliland.

 

Si kastaba ha ahaatee, Danjiraha Talyaaniga Ambassador Ungaro waxa uu sheegay inuu dawladiisa gaadhsiin doono dareenka iyo doodda Somaliland 

 

Cawl: Magac-Sami Iyo Naanays

Mid-Ba Muxuu Kala Tegay Xafiiska

Xil-Wareejintii Maayarka Hargeysa

 

 

“Hadii aan waxba qaban kari-waayo anigu isma casilayo ee waan is-tooganayaa” sidaa waxa yidhi Cawl Cilmi Cabdalle, wuxuuna sidaa kaga faanay madashii uu kula wareegay xilka hadda laga qaaday oo ahay 30-kii Abril, 2000, iyadoo uu Cawl xilka kala wareegay C/raxmaan Ismaaciil Xuseen (C/raxmaan Cadami).

“Aji faanay waxa loo dhiibaa qaanso iyo leeb” ayuu ugu jawaabay C/raxmaan-na.

 

C/raxmaan Cadami waxay xiligiisii dadka hawlihiisa maamul naqdiyaa ku dhaliili jireen inuu wax qabadkii magaalada inta badan kaga mashquulay ku dhex-milanka buuqyada siyaasadda, laakiin maalintii uu xilka wareejiyey ma wareejin wax dayn cusub ah, isla markaana muddo sannad iyo 9 bilood ah oo uu xilka hayey waxa uu iska bixiyey dayn gaadhaysa 1.5 Milyan Sh.Sl oo uu xafiiska kaga tegey maayarkii uu xilka kala wareegay oo ahaa Cali_Asad.

 

Cawl Cilmi Cabdalle maalintii uu xilka la wareegay weedhaha kale ee xussusta leh ee uu maalintaa ku tiraabay waxa ka mid ahaa “ Xafiiskani noqon maayo meel ragga mucaaradka ah ee dalka mudnaanta ku leh laga caayo”. Sidoo kale Cawl waxa uu maalintaa sheegay inuu dhimi doono shaqaalaha dawladda Hoose.    Hase yeeshee su’aasha xiisaha lihi waxay tahay 26 bilood iyo 16 maal-mood ka dib Cawl Cilmi magac iyo magac-xumo, mid-ba muxuu kala tegey xafiiska laga tirsaday, maxaase ka rumoobay faankiisii, sidoo kale waxa, iyana su’aal kale noqonaysa labada sub-xood (subixii uu xilka la wareegay iyo xilka wareejiyey) subaxba sidee buu ahaa jawiga iyo jawaab bixinta Cawl Cilmi.

 

17-kii Julay, 2002,oo ahayd doraad ayuu Cawl Cilmi xilka ku wareejiyey masuul cusub oo loo soo magacaabay jagada maayarka Hargeysa, ka dib markii xilka laga qaaday Cawl iyo labadiisii maayar-xigeen (Khaliil iyo Tiimbaro), waxaana xafladda xil-wareejinta lagu qabtay kaambool yar oo cidhiidhi ah oo ka mid ah dhismayaasha dawladda hoose, iyadoo ay munaasibadaa ka soo qayb galeen masuuliyiinta labada dhinac ee xilka la kala wareegay, sidoo kale waxa ka soo qayb galay wasiirka arimaha gudaha, mudane Cabdilaahi Cadde iyo wasiirka beeraha, mudane Belel iyo hawl-wadeenada iyo shaqaalaha dawladda hoose oo xoog isu soo dhoobay madasha xil-wareejinta, waxa kale oo, iyaguna ka soo qayb galay marti sharaf kala duduwan.

 

Cawl Cilmi oo lebisnaa suudh maca Tay ayaa ugu horayn dhegta qabsaday makarafoonka, wuxuuna halkaa ka jeediyey hadal dheer oo uu doc walba u ridey. “Maxaan u soo gaabinayaa maanta oo kale waa maalinta la hadlo’e” sidaa waxa kor u dhawaaqay Cawl, isaga u jawaabaya qof xagga dambe ka yidhi “ soo gaabi”.

Inkasta oo uu hadalka Cawl Cilmi u badnaa warbixin ku saabsan xilka uu wareejiyey iyo hogo tusaalayn la xidhiidha sida loola macaamilayo raadadkii uu ka tegey, haddana dareenkiisu ma qarsan karayn sida ay u damaqday xilka laga qaaday, isla markaana carrabkiisu ma gefayn isticmaalka weedho badan oo uu iskaga bi’inayo khajilaadda.

 

“Qofka dhacdooyinka noloshiisa soo marayaa ma aha inay damqaan, markaa sidii aan u tirsaday ayaan maanta xilka u tirinayaa” ayuu yidhi Cawl, laakiin wuxuu intaa ku sii daray “ Aniga waa layga cibaadaysi badan yahay, laakiin ma jiro qof bini’aadan ah oo ila kalsooni ahi, taana Illaahay baanu isla ognahay, anigu ma baqo, waan faraxsanahay balse masuuliyad qaadku farxad ma leh”.

Cawl waxa kale oo uu yidhi “ hadalka hadii aan soo gaagaabiyo” , laakiin wuxuu haddana yidhi “ waxba la soo gaagaabin maayo ee nin waliba inta uu doono ha dheereeyo”.

 

Cawl, waxa uu marba mid jaleecay masuuliyiinta cusub, isaga oo carabaabaya, laakiin isaga oo la hadlaya ninka xilka kala wareegay Axmed Dheere, wuxuu yidhi “ Maayarka I bedelay Axmed dheere aad iyo aad baan u aqaan waa nin aniga iga macaan, laakiin macaankaa yaan mar keliya lagu liqin baan leeyahay”, “Anigu maan qadhaadhayn, laakiin wuu iga macaan badan yahay, sacaadatu maayar taasi ku dhiqi mayso ee iska bedel, xilka la iga qaadayna cid aan ku canaanayaa ma jirto ee waa arin Illaahay gartay, hadii aynaan dhimanna Cidii iga tirsatay oo sidaas oo kale looga tirsanayo waydin arki doontaan,” ayuu raaciyey.

 

Cawl waxa uu isticmaalay hadalo badan oo duur-xul ah oo laga dhadhansaday sida uu uga xun yahay xilka laga qaaday, isla markaana hadaladiisa kama madhnayn wer-werka uu ka qabo baylahdii, iyadoo kala quban oo aanu meel ku ogaan la qabtay iyo weliba is-dhawrihii iyo ugxantii uu beertay oo uu ka baqo qabo inuu ninka cusubi ku gal-gasho, wuxuuna yidhi “ Ma jiro qof shacbiga caasumadda ku nool ka mid ah oo aan colaad u hayaa, maxaa yeelay nabadda ayey jecel yihiin, wanaagga ayey jecel yihiin, xaasidnimada ayaa ku yar, maayar-nimona ma dootnaan, amaanta labaadna waxa leh shaqaalaha dawladda hoose”.

 

Cawl mar kale ayuu jaleecay maayarka cusub ee xilka kala wareegay, wuxuuna ku yidhi “ maayar waxaan kuu sheegayaa shacbigu sidii hore ma aha ee waa shacbi tababartay labadii sanno iyo badhkii aan joogay waa shacbi ilbaxay oo tababartay, waa shacbi wax loo taag-taago bartay, shaqaalaha dawladda hoosena waxaan ku dedaalay inaan imtixaan laga qaadin oo aanay 500 boqol oo qof waayin bariiska, waana kordhiyey, adigana taas ayaan ku farayaa inaad yeesho, ninka meesha laba sannadood iyo saayid joogayna taladiisa waa la qiimaynayaa, shaqaalaha dawladda hoosena waxay ahaayeen garbaha aan ku duulayo, ha ugu mudnaadeen rag fara badan oo aan liiskooda kuu qori doono, khaasatan ninka lacagta meesha u hayaa waa nin oday ah oo dedaalay, laakiin inta cudurka ah ee shaqaalaha ku jirta farta ayaan ka saarayaa, waxaana kugu wareejinyaa shaqaale dhiiran”.

 

Cawl, isaga oo xusuusan wareegtadii naanaysta lahayd ee uu xilka kaga qaaday madaxweyne Rayaale iyo in eriga lagala tashaday wasiirka daakhiliga ayuu dib u jaleecay wasiirka daakhiliga oo dabadiisa fadhiya, ka dibnna waxa uu dhiniciisa u rideeyey weedho nuxurkoodu u dhadhamayey, wasiir ma waxaad ku talisay in la i eryo, wuxuuna yidhi “ Wasiirka daakhiligu wuxuu ahaa nin aanu edeb ku soo wada shaqaynay waa nin aan gobanimo ku arkay sidaa aniga ayaa qaba, laakiin isagu hadii si kale iga qabo, isaga ayey jirtaa, balse ma xaman oo taa la ii qori maayo, balse ta uu I xantay isaga ayaa ku shuqul leh, waayo BBC-da ayaan ka maqlayey waxa lala tashaday wasiirka daakhiliga, markaas ayaan idhi tolow talada uu bixiyey maxay ahayd”.

 

Cawl, waxa kale oo uu weeraray saxaafadda, wuxuuna yidhi “ Saxaafaddu way mahadsan yihiin ama wiish wax qaada ha sawireen ama cagaf-cagaf wax jiidda ha sawireen waad is baran doontaan, laakiin hadii ay qofka iska weerarto waxaanu leenahay sharciga wax ha lagaga qabto, hadii wax lagaga qaban waayana waxa dhacaysa inuu qofku is yidhaahdo qofka iska celi oo uu keligii gaadho ciqaabta ( aar-goosiga) uu qofka wax ka qoray ku samaynayo, ilayn nin iyo jariirad u samaysan kari maynee”.  

 

Inkasta oo ay mushkiladda dhulku tahay waxa ugu darran ee laga qayliyo caasumadda Hargeysa, haddana Cawl waxa uu sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo hadda ka taagan dhinaca dhulka, wuxuuna yidhi “ Anigu intii aan joogay ma jiro baloodh la isku dilay, haddana sided saacadood ayaanan laba mitir xukumi kari jirin, qaar badan oo aan qabyo kaga tegayaana way jiraan, laakiin nasiib wanaag mushkiladda dhulka heer wanaagsan oo aad iyo aad u fiican ayaan kuugu dhiibayaa, muran-muranka yar ee jirana waad la socon doontaa, fadhiga iyo hadalka uun u badi, qoladeenu marka aad dhawr cisho soo cel-celiso way iska daashaaye, mana jirto wax badan oo dacwad ah oo dhulka ah oo kuu qabyo ahi, sidaa ayaad u nasiib wanaagsan tahay ”, laakiin waxa uu intaa ku daray “ Waxa jirta dhul 420 baloodh oo dawladda u cayiman oo aan ku faro adaygay oo uu marxuumkii amar igu siiyey walaahay marxuumku jannada ayuu hurdaaye, dhulkaas oo aan ka qaaday dad, hadii ay hadda yeelanayaan iyo hadii aanay yeelanaynba, waana madaarka dhiniciisa waqooyi, waxa kale oo jira laba meelood halkan ah, taana waa dhamayn doontaan, waxa kale oo jirta bacadlaha Waaheen qalad baa ka soo baxay maayarka cusub ayaana ku wareejinayaa dacwadaa, laakiin ta ugu daran baa la iga soo gaadhay waa khudrad lihii iyo hilib lihii”.

 

Cawl waxa uu aad uga afeeftay oo uu ku cel-celiyey inaan loo daba marin bacadlaha suuqa u dhow dhismaha guriga qabyada ah ee loo yaqaan xisbiga oo uu dhowaan qayb-qaybiyey, lacagna ka ururiyey dadka suuqaa, wuxuuna yidhi “ bacadlaha gobanimo (Bacadlaha dhismaha xisbiga) waa kaa deberan yahay maayarow, wasiirkiina waa kaa I maqlaya, hadii lagu fara geliyo meeshaa dadka madaxweynihii (Marxuumkii) ogaa ee naga ogolaaday oo mashaakil lala galo, taas yaan laguula iman maayarow, meeshaasina in la kool-kooliyo ayey u baahan tahay, lacag baa laga gurtay iyo caynkan-caynkan waa sheeko-sheeko iyo wax dumin ee yaan laguula iman”.

 

Ugu dambayn Cawl wuu is amaanay, wuxuuna sheegay inuu xukuumadda talada haysa u ahaanayo muxaafid, uuna ka mid yahay xisbiga UDUB, wuxuuna   yidhi “ Waqtigu wuxuu I gaadhsiiyey inaan noqdo soo jireen siyaasi iyo halgame ah oo mudnaantiisa leh, waxaanan ayidsanahay oo aan ku shaqaynayaa xukuumadda maanta jirtaa waxa ay aaminsan tahay, madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay, UDUB waxay aaminsan tahay, waxaanna u halgamayaa inay UDUB xukunka qabato, aniga iga suurta geli mayso inaan xukuumadda wax ka sheego”.  Nin baa meel ka dhawaaqay oo yidhi “ dadku UDUB ma wada aha, aniguna mar kale ayaan xil qabanayaa”, wuxuuna Cawl ugu jawaabay waa kuma iyo waa Aadan, waanu is-naqaan Aadan, cidda aan doonto raac.

 

Intaa ka dib maayarka cusub ee Cawl xilka kala wareegay, Axmed Maxamed Maxamuud ( Axmed dheere) ayaa makarafoonka la wareegay, wuxuuna tilmaamo ka bixiyey siyaasadiisa cusub ee uu ku hogaamin doono dawladda hoose, isla markaana waxa uu jawaabo ka bixiyey hadaladii, isaga khuseeyey ee uu Cawl sir iyo caad-ba ugu dhiibay, wuxuuna ugu horayn yidhi “  Aniguna maalinta la I bedelo ayaan sheegayaa inta uu Cawl sheegay in le’eg, waxaanse ugu horaysiinayaa hadal uu yidhi Cawl, horta waa runtii oo nin macaan waan ahay, laakiin marka ay sharci tagto waxaan noqonayaa nin dhanaan, meeshana sharci baynu ku wada joognaa”.

 

Axmed-dheere, isaga oo tix-raacaya hadalkii Cawl ee ahaa inuu ku wareejinayo meel ay xaaladeedu aad u wanaagsan tahay dhinac kasta, waxa uu yidhi “ saddexdii cisho ee aanu magacownayn qof kasta oo noo yimaadaa waxa uu nagala hadlayey ama noo sheegayey dhibaatada dawladda hoose taal, taas oo aad is odhanayso dhibaatada dawladda laga sheegayo, waxay ka badan tahay hadii aad is tidhaahdo buurta Naasahablood maalinba dhagax qaaad, dhibaatada ugu badanina waa dhulka, Cawl-na wuu soo fududeeyey”, Axmed-dheere, isaga oo weli tilmaamaya dhibaatooyinka dawladda hoose dhex hurda waxa uu yidhi “Dhibaatooyinka dawladda hoose ka jira waxa ka mid ah musuq-maasuqa iyo shaqaalaha tirada badan ee uu Cawl sheegay”.

 

Axmed-dheere, waxa uu intaa uga gud-bay qorshihiisa cusub, wuxuuna yidhi “ Dhulka waxa wareegto ka soo saaray madaxweynaha, dhulka oo dhanna sida sharcigu yahay dawladda ayaa leh, markaa waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu sharcigaa fulino, waxa kale oo aanu ballan-qaadaynaa musuq-maasuqa inaanu baabi’ino. Ta kale shilinka cashuurta ah ee islaanta suuqa fadhida inay cunaan rag doonaya ma nihin, waxaanuna ballan-qaadaynaa shilinkii islaantaa laga soo qaaday in wax loogu qabto. Waxa kale oo aanu ballan-qaadaynaa shaqaalaha dhexdiisa inaanu cadaalad ku dhaqno, waxaanuse samaynaynaa dib u qiimayn shaqaalaha ah, ninkii qiimayntaa ku soo baxana waxaanu ku talo gelaynaa inuu mushahar wanaagsan qaato, ninkii qiimayntaa ku dhacaan wixii sharcigu ogol yahay ayuu marayaa”.

Maayarka cusubi waxa uu hadalkiisa ku soo gebogebeeyey “ Waxaanu doonaynaa oo aanu hawsheeda gelaynaa inaanu hagaajino maamulka iyo kala dambaynta dawladda hoose oo aanu dawladda hoose ka dhigno dawlad hoose, dadweynahana waxaanu ka codsanaynaa waar laaluushka joojiya oo dhul-boobka joojiya oo gacan na siiya”.

 

Wasiirka Daakhiliga, mudane Cabdilaahi Cadde ayaa isna halkaaka hadlay, wuxuuna yidhi “ xilka qaranku waa meerto ma jiro nin joogto ku ahi, anigu shalay baan nin kala wareegay beritona waan ka tegayaa, maayarkii hore Cawl wax weyn buu qabtay”, laakiin waxa uu intaa ku sii daray “waxaana leeyahay Cawl wixii uu qabtay taariikhda ayey u geli doonaan, dhinac kalena wixii uu wax ka qaban waayey ama ay dadweynuhu ku dhaliilayaan, iyana taariikhda ayey u geli doontaa, maantana sida u u hadlay waxba ma reebin”.

 

Wasiirka daakhiligu, isaga oo la hadlaya maayarka cusub waxa uu yidhi “meesha aad maanta xilkeeda la wareegtay waa hal-bowlihii Qaranka, waana xil aad u culus ee ka wax ka qabo, waxaana kugu sii dardaarayaa wadooyinka wax ka qabo, wadankana waxa ugu dhibaato badan dhulka, waana hawsha noogu daran ee Qaranka oo dhan wada gaadhay, waxaan ka rajaynayaa ragiina cusubi inaad mushkiladda dhulka ee goor walba ka taagan caasumadda wax ka qaban doonaan, shacbigana inaad ugu xaq soortaan cadaalad, shaqaalaha dawladda hoosena runtii waa shaqaale aad fara badan waa sideed boqol ku dhowaad”.

 

Ugu dambayn wasiirka beeraha mudane Belel ayaa kulankaa ku soo xidhay weedho kooban.

Inkasta oo laga yaabo inay dadka qaarkood qabaan inuu Cawl wax qabtay mudadii uu xilka hayey, isaga laftiisuna uu isku majeertay inuu wax badan qabtay, haddana dad badan ayaa qaba inaanu sumcad kaga tegin xilka, laakiin hadii aynu qiimaynta Cawl u dhaafno ra’yul-caamka dadka iyo taariikhda, waxa xusid mudan wareegtada lagu eryey, isaga iyo kuxigeenadiisa, lafteeda ayaa ah mid tilmaamaysa inuu Cawl xilka kaga tegey naanays xun, taas oo lagu xusay inuu si qaldan ugu takri falay xilkii, islamarkaana uu ku falaaday dhulkii danta guud.

 

Dhinaca kalena, inkasta oo uu Cawl kala weji gabxay inuu fagaarihii ka sheego, haddana waxa jira warar aan weli soo shaac bixin oo tibaaxaya inuu hoosta ku hayey dayn kor u dhaafaysa 1.5 milyan Sh.l. ah, taas oo la filayo inuu ku wareejiyey maayarka cusub. Sidoo kale Cawl, inkasta oo uu bilowgii ballan-qaaday inuu shaqaalaha dhimo mooyaane inaanu shaqaale kordhinayn haddana waxa uu doraad qirtay inuu kordhiyey iyo inaanu weliba wax qiimayn iyo imtixaanaad ah marin.

 

Waxa kale oo jira warar kale oo tibaaxaya inay jiraan fadeexado door ah oo huursan, lagana baqe qabo inuu eelkoodu jeer dambe qar-qarxo. Sidoo kale Cawl, Kama soo bixin ballan-qaadkiisii ahaa inaanu xafiiska dawladda hoose noqonayn meel laga caayo mucaaradka, iyadoo mudadii uu xilka hayey af iyo adin-ba la odhan karo waxba uma hambayn ragga mucaaradka ah.

 

Waxay dad badani leeyihiin, Cawl hadii uu wax qabtayna waxa ka badan waxyeelada uu geystay.

 

Dayuurad Casri Ah Oo Ku Soo Biirtay Shirkadaha Duulimaadyada Oo Markii U Horeysay Garoonka Hargeysa Fadhiisatay

Afrikan Express Airways

 

Hargeysa (Haatuf): Xaflad lagu maamuusayay furitaanka Shirkada African Airlines ayaa shalay lagu qabtay Hoolka VIPda ee Madaarka Hargeysa, iyada oo ay shirkaddu isla shalay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa soo fadhiisisay Dayuurad casri ah oo Jet DC9 oo ah noocyada u hanaansan safarka cirka iyo alaabooyinka gudaha. Dayuuradaas oo ay gudaheeda galeen wariyeyaasha iyo ka qayb galaasha xafladaas waxa uu ahaa mid aad u weynaa una yaalay qaab raaxo leh. Wakiilka shirkadaas Xasan Gaas oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in dayuuraddan oo xamuulkeedu yahay 95 qof ay khamiis kasta iman doonto, iyadoo isaga gooshi doonta Shaariqa iyo Hargeysa. Sidoo kale wuxuu wakiilku sheegay in mustaqbalkana ay Jabuuti iyo Nayroobi safarka ku dari doonto. Sidoo kale wuxuu wakiilku sheegay in dayuuradani tahay shirkad caan ah, oo Kiiniya laga leeyahay lana yidhaa African Airlines. Diyaaradani waxa ay ka xawaare dheer tahay diyaaradaha kale ee waddaniga ah labanlaab.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada Somaliland, Siciid Mahdi Ileeye oo xafladaas ka hadlay, ayaa isna sheegay in dayuuradani tahay nooc aad u casriya oo aan hore u fadhiisan garoonka Hargeysa, isla markaana wuxuu Agaasimuhu sheegay in ay u dhan yihiin sharciyada dayuuradaas, iyada oo ku jirta Caymiska Caalamiga ah, dayuuradan oo ah noocyada rakaabka waa mid aad uga sanca duwan dayuuradihii hore ee garoonka Hargeysa soo fadhiisan jiray.

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Fadhiid-Nimada Xafiiska Hanti-Dhawrku Waa Ka Qayb Baalasha Musuq-Maasuqa

Hufnaanta xisaabaadka iyo hab-dhaqanka maamul, hadii ay tahay mid dawladeed iyo hadii ay tahay meel gaar loo leeyahayba waxa weeye hal-beeg u taagan hubinta hanaanka la isticmaalay si loo ogaado saxa iyo gurac iyo inuu hanaanka maamul u shaqeeyey sidii loogu talo galay.

Qaabka iyo hal-beegga loo isticmaalo dhawrista iyo ilaalinta hanaan socodka xisaabaadka iyo maamulka dhaqaalaha ayaa loo yaqaan Hanti-dhawr, dadka mihnadaa ku shaqeeyana waxa la yidhaahdaa hanti-dhawrayaal.

 

Sababaha ay dunidu uga maarmin wayday inay samaysato waxa ka mid ah in xakame loo helo si xun u isticmaalka ama ugu takri falka maaliyadda iyo maamulka dhaqaale oo ay jirto si ama hanaan loogu talo galay in loo meel-mariyo, taas oo keeni karta sifo musuq-maasuq oo wadada ka duwa ujeedadii loogu talo galay inay maaliyadaasi daboosho.

 

Muhimadda hanti-dhawrka ayaa keentay xisaab-xidhka maaliyadeed ee khuseeya hayado dawli ah iyo kuwa aan ahaynba in loo inuu baahdo hanti-dhawr ansixiyo si loo aamino inay run ku fadhido, iyadoo taa macneheedu yahay inuu hanti-dhawrku noqdo booliska la dagaalama musuq-maasuqa, waana dhaqan dunida oo dhan ka jira oo looga maarmi waayey dunida cusub ee dhaqaalaha, laakiin musuq-maasuqu waxa uu aad ugu badan yahay dunida saddexaad, sababtana waxa lagu tilmaami karaa , iyadoo ay dadku masuuliyadda dawlad-nimo u citiqaadeen mid ka mid ah dariiqyada lagu helo hantida, taasina ay dadka bartay inay hiig-sadaan jago dawladeed si ay hantida ummadda u lunsadaan.

 

Somaliland waxay ka mid tahay meelaha ay dabeecadaha noocan ahi aadka ugu badan yihiin, taas oo aad moodo inay jiraan dad badan oo shaqada ama xilka ugu haliilaya inay lacag helaan. Shaqadaa ama xilka aqoon ha u lahaadeen ama yaanay u lahaane, waxayna ujeedadu tahay inay hanti lunsadaan si uu qof ama qoys badhaadhe gaar ah uga helo maaliyadii ummaddu wada lahayd ee ay ahayd in danaha guud lagaga shaqeeyo.

Waxay is-waydiintu tahay xafiiska hanti-dhawrku ma yahay mid shaqadii loo abuuray qabta ama ka soo baxay ama dhodhoweeya.

 

Jawaabaha su’aalahani runtii ma aha, kuwa adag-adag ama meel dheer laga doonayo ee waxay xaqiiqdu tahay inaanu xafiiskaasi qaban, una dhowayn hawshii looga baahnaa inuu qabto, waxaana markhaati ugu filan musuq-maasuqa naafeeyey dhaqaalaha dawladda, hadii uu xafiiska hanti-dhawrku yahay mid si daacad ah u guta xilkiisa oo ay jirto xisaabi xil ma leh waxa la arki lahaa dad badan oo ka cararayay xilalka ama shaqooyinka hayadaha dakhli soo saarka, halka iminka loo kala dheeraynayo, taas oo hadii masuulka wax is dhaaf-dhaafiya la marin lahaa xisaabi xil ma leh, ka dibna sharciga hortiisa lagu ciqaab marin lahaa laga raysan lahaa hanti lunsiga iyo musuq-maasuqa.

 

Shaqada hanti-dhawrku keliya ma aha inuu daba galo miisaaniyadda qoondaysan oo keliya, laakiin waxa waajibaadkiisa ka mid ah inuu qiimeeyo Qandaraasyada ay dawladdu bixiso, iyaga oo horjoogsanaya iibka aan macquulka ahayn ee ay u arkaan in dawladda lagu cawarayo, iyadoo ay hubaal tahay in hadda inta badan gaadiidka iyo qalabka dawladda loo iibiyo ee Qandaraasyada lagu bixiyaa aanay is lahayn lacagta badan ee la xisaabiyo iyo tayadoodu, taas oo la rumaysan yahay in hanti badan lagu lunsado Qandaraasyada ay dawladdu bixiso, waxaase taa fashilin lahaa, hantida halkaa dawladda kaga luntana bad-baadin lahaa hanti-dhawrka oo kaalintiisa buuxiya.

Waxa kale oo uu hawl-galka hufan ama dhaqan galka ah ee hanti-dhawrku ka hor tegi lahaa kharashaadka iyo daymanka aan xadka lahayn ee ay had iyo goor hayadaha dawladdu galaan, taas oo ah caado musuq-maasuq oo fayga la baxday.

 

Marka aragtida arintani noqoto sida aynu u fallan-qaynay waxa lama huraan ah inuu hanti-dhawrka dawladda Somaliland meesha ka kaco oo uu hawl galo si uu u yaraado musuq-maasuqa xadhiga goostay, iyadoo dhinaca kalena si uu hanti-dhawr dhab ahi u jiro loo baahan yahay inay hayadda hanti-dhawrku hesho dhaqaale ku filan iyo hawl-wadeeno xirfad iyo aqoon ku filan u leh muhnidan.

Hadii ay jirto habrasho uu hanti-dhawrku ka habranayo maamulka sare, waxa lagama maarmaan  ah inay taasi meesha ka baxdo oo uu maamulka sare u arko inuu hanti-dhawrku yahay gacanta midig ee toosin karta maamulka.

 

Runtii waxay hadda xaaladdu u muuqataa inuu xafiiska hanti-dhawrka guud ee dawladda Somaliland yahay fadhiid aan xataa far ku fiiqin karin xafiisyo ay hawshiisu si toos ah u khusayso oo u jira talaabooyin tirsan, waxaana waqtigan xaadirka ah jiritaanka xafiiska hanti-dhawrka lagu tilmaami karaa magac u yaal, iyadoo ay hubaal tahay in hadii uu hanti-dhawrku hadda qaado talaabooyin adag inay taasi ka cadhaysiin doonto rag oo badan o masuuliyiin ah oo ku mamay dhaqanka musuq-maasuqa iyo lunsiga hantida ummadda, laakiin xanaaqa dhawr masuul waxa ka mudan dhismaha nidaam dhaqaale oo ka caafimaad qaba cudurka musuq-maasuqa.

 

Xaflad Caleemo-Saar Suldaan Oo Ay Isku Arkeen Siyaasiyiin Iyo Madax-Dhaqameedyo Kala Duwan

 

 

Burco (Haatuf): Suldaan cusub oo beesha Bariga Burco ah, Suldaan Cabdiraxmaan Qodax Jaamac, ayaa shalay lagu caleema-saaray dooxada jaleeco ee duleedka degmada Caynabo ee Gobolka Sool.

Xafladda Caleema-saarka Suldaankaas oo aad u ballaadhnayd, waxaa ka qayb-galay Madax-dhaqameedyo ka kala yimi deegaanada Laas-caanood, Buuhoodle, Gobolka Sanaag iyo Burco oo ay ka mid yihiin; Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, Suldaan Nadiif Saydh Jibriil, Suldaan Maxamuud X. Xuseen Nuur, Suldaan Maxamed Cabdi Cali, Garaad Abshir Saalax, Boqor Cabdillaahi Axmed Cali, Garaad C/salaan Xasan Maxamed, Suldaan Siciid Cismaan iyo Wakiil ka socday Ugaas Cabdillaahi. Waxa kale oo ka qayb-galay Siyaasiyiin, waxgarad, Cuqaal, Culima’udiin iyo dadweyne aad u farabadan.

 

Madax-dhaqameedyada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka oo halkaa hadalo ka jeediyay, waxay dhammaantood u hambalyeeyeen, uguna duceeyeen masuuliyadda uu qaaday Suldaanka cusub, Suldaan C/raxmaan Qodax Jaamac oo ay dooratay beesha Cumar Jibriil oo ka tirsan beesha Muuse Sh. Isxaaq oo H/jeclo. Waxa kale oo aad looga hadlay doorka ay Somaliland ku leeyihiin Madax-dhaqameedyadu, tirada sii badanaysa ee Salaadiinta iyo sida ay Siyaasadda ula falgaleen.

 

Guddoomiyayaasha labada urur ee mucaaridka ah ee ASAD iyo KULMIYE, Saleebaan Maxamuud Aadan (S/Gaal) iyo Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo hadalo koob-kooban ka jeediyay xafladaas, ayaa labaduba waxa ay Suldaanka cusub ugu ballanqaadeen taageero iyo ururadoodu la shaqayn doonaan, iyaga oo isla markaana madax-dhaqameedyada guud ahaan meeqaan sare ka siiyay talada dalka.

 

Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay tirada Salaadiinta beesha Bariga Burco oo beryahan dambe sii badanaysay iyo sababta keliftay in Salaadiintu bataan, ayaa waxa uu yidhi; “Ayaan dhaweyd baanu Hargeysa ku kaftanay qolo reer Galbeed ah, waxay yidhaahdeen qolodiinii reer Bari waad na dhaafteen oo Salaadiin badan baad samaysateen. Dabadeedna waxaan ku idhi, sababaha qaarkood waxa ka mid ah, iyadoo aanu baahi weyn u qabno in aanu Salaadiin badan samaysano oo joogitaankii dawladda ayaa aad iyo aad noogu khafiif ah.”

“Salaadiintu waxay wax weyn nooga qabtaan, iyagoo nabadgelyada wax weyn nooga tara. Hawlo farabadan oo beelaha dhexyaal, wixii ku kala maqan, wixii ku kala dhaca, marka joogitaanka dawladdu daciif ka noqdo ayay dadku kala saaraan oo dhibaatooyinka yimaadda nooc kasta ha noqdeene ayay Salaadiintu xalliyaan,” ayuu yidhi Mr. Siilaanyo, waxana uu sheegay in Madax-dhaqameedyada, Salaadiinta iyo Isimadda oo dhammi ay yihiin kuwa dalka ugu sareeya.

 

Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isaguna ku booriyay beelaha in ay u hoggaansamaan Madaxda ay doortaan, si ay kraamo u yeeshaan, isaga oo sheegay in Madaxtinimadu ay ku xidhan tahay kalsoonida shacabka iyo hadba taageerada lala garab joogo.

 

“Sidaa Axmed sheegay, waxa ururada iyo axsaabta ku waajib ah in ay la shaqeeyaan Madax-dhaqameedyada,” ayuu yidhi Saleebaan.

 

Aw Daahir X. Xasan oo ka mid ah odayaasha reer Sool ee ka yimi Laas-caanood, ayaa isaguna si kaftan ah u xusay tirada badan ee Salaadiinta ee beeluhu samaysteen oo beesha Sool ka mid tahay, kuwa ugu Madax-dhaqameedyada badan, waxana uu yidhi; “Annaga magacyo ayay Isimadu kala leeyihiin oo iskuma khaldamaan sidiina ee xaggaa (Sool) markii ay bateen waxaanu isugu geynay “Isimo” idinkuna meel isugu geeya.”

 

Ururka ASAD Oo Markii U Horreysay Ka Hadlay Fagaaraha Khayriyadda Hargeysa

 

Hargeysa (Haatuf):  Hogaamiyayaasha urur-siyaasadeedka ASAD ayaa doraad markii u horaysay dadweynaha Reer-Hargeysa kala hadlay fagaaraha khayriyadda, halkaas oo ay siyaasiyiinta ASAD ka jeediyeen khud-bado la xidhiidha ujeedooyinka siyaasadeed iyo qorshayaasha ay damacsan yihiin inay dalka ku hogaamiyaan hadii ay ku guulaystaan tartanka, isla markaana waxay hogaamiyayaasha ururka ASAD farta ku fiiqeen dhaliilo maamul oo ay tilmaameen inay jiraan.

 

Ururka ASAD, inkasta oo uu mar la abuurmay ururada siyaasadda ee jira, haddana halka ay ururada kale ee ay mar wada samaysmeen marar badan ka hadleen fagaaraha khayriyadda Hargeysa iyo fagaarayaal kaleba, ururka ASAD waa markii u horaysay ee khud-bado isla soo taago fagaaraha khayriyadda Hargeysa, iyadoo uu fagaarihii kan ka horeeyey ee ay hogaamiyaasha ASAD ka hadlaan ahaa fagaaraha khayriyadda Burco, waqtigaas oo hadda laga joogo toddobaad iyo wax la mid ah, waayo ururka ASAD waxa uu ahaa ururka keliya ee qaadacay inuu is-diiwaan geliyo, sidaa darteed ay xukuumaddu ka hadalka fagaarayaasha shardi kaga dhigtay inay is-diiwaan geliyaan, taas oo uu ururka ASAD-na dhiniciisa muddo dheer ku adkaystay mawqifkiisa ah inaanu is-diiwaangelin, iyadoo ay dawladduna taa qaylo dheer ka dhigtay. 

 

Hase yeeshee ka dib geeridii madaxweynihii hore ee Somaliland ayuu ururka ASAD is-diiwaan geliyey, iyaga oo sababta ay mawqifkoodii hore uga soo debceenna ku tilmaamay tudhaale iyo debec ay ummadooda tusayaan marxaladda la galay awgeed.

 

Inkasta oo ay fagaaraha khayriyadda ka muuqdeen rag door ah oo ka mid ah hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta ururka ASAD, haddana ilaa saddex xubnood oo uu ku jiro gudoomiyehooda, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) ayaa dadkii halkaa isugu soo baxay la hadlay, waxaana Xubnaha kale ee halkaa ka hadlay ka mid ahaa: Biixi Suufi Abokor oo ka mid ah odayaasha waaweyni ee ururka ASAD iyo Maxamed Maxamuud (Oday) oo isna ka mid ah hogaamiyayaasha ururka ASAD.

 

“Gudoomiyaha maxkamadda sare waxa uu u dhigmaa madaxweynaha dalka iyo gudoomiyayaasha labada gole ee baarlamaanka, markaa anagu ASAD ahaan waxaanu rabnaa cadaalad madax banaan, wuu jiraa rugniga cadaaladdu magac ahaan, laakiin ma shaqayso, waxaana taa ku cadaynayaa maalintii dhowayd ee maxkamadaha wax laga bedelayey waxa loo saaray guddi uu gudoomiye ka yahay madaxweyne-kuxgeenku, saddex wasiirna ku jiraan” ayuu yidhi gudoomiyaha ASAD, wuxuuna intaa ku daray “ waxaanu leenahay ummadana ku baraarujinaynaa waa inaynu sharciga dhawrno oo aanu distoorku noqon mid marka la doonana la jebiyo, marka la doonana la diido, waxa kale oo aanu leenahay golayaasha sharci dejintu waa inay madax banaan yihiin oo aanay noqon aalad u adeegta xukuumadda ee waa inay noqdaan , kuwii kaantaroolayey ee ilaalinayey dhac-dhaca iyo qaladaadka xukuumadda, waxaanu qabnaa in maamulka la saxo, iyadoo uu jiro musuq-maasuq badani oo lagu takri falo dhaqaalaha ummadda, waxa la ilaalinayaana waa inay noqdaan dadweynaha”.

 

Ururka ASAD waxyaalaha uu farta ku fiiqay waxa ka mid ah biyo la’aanta Hargeysa ka jirta, iyo meelo kaleba, taas oo ay ku tilmaameen karti daro dhinaca xukuumadda u iilanaysa, sidoo kale waxay dhaliileen adeegyada aasaasiga ah qaarkood, sida caafimaadka. “ Waxaanu qabnaa inaanay xukuumaddu inagu hogaamin inaynu khayraadka badeenna ka faa’iidaysano, anaga oo war ku hayno inuu badeenna ka soo bixi karo ilaa 16000 tone oo kaluun ahi “ ayey yidhaahdeen.

 

“Waa in la dhawro xuquuqda muwaadinka oo ra’yigiisa u madax banaan yahay, waa in lagala xishoodo, isaga oo aan qofka muwaadinka ahi dembi gelin in xabsiga la isaga taxaabo” ayey intaa ku dareen.

Sidoo kale waxay siyaasiyiinta ku doodeen in la hagraday ictiraafka Somaliland oo aan la raadin, hadii la raadiyona la heli lahaa “ waxaanu qabnaa urur ahaan in ictiraafka Somaliland la heli lahaa hadii aanay hagrasho jirin” ayey yidhaahdeen, waxayna intaa ku dareen “ waxaynuna ictiraaf ku heli karnaa marka aynu noqono umad is jecel oo isku duuban, ururka ASAD-na waa urur dadku leeyahay”.

 

Hogaamiyayaasha waxay tilmaameen inaanay ururada siyaasadda ee jiraa u sinayn isticmaalka waxa ummadda ka dhexeeya awood maamul iyo awood dhaqaale toona , waxayna si gaar ah farta ugu fiiqeen ururka UDUB, iyaga oo dawladda iyo tijaartana ku tilmaamay inaanay ururada siyaasadda si u wada naas-nuujin, waxayna yidhaahdeen “  aduunyadu xisbiyada way koraysaa, mana aha inay inta tijaarta ah iyo dawladdu xisbi gaar ah wax siiyaan ee waa inat arintaasi noqotaa mid loo siman yahay, maanta waxa jira urur aan la sinayn ururada kale, waa urur ku dhisan hantidii Qaranka ee ummadda ka dhexaysay, ururkaasi waxa uu isu dhigay inuu yahay xisbigii dalka xukumay, laakiin lama soo dooran xukuumadda maanta jirta ee maalinta aad soo doorataan ee aqlabiyadda dadka helo ayuu noqonayaa xisbiga dalka xukuma, maanta UDUB iyo dawladdu waa isku millan yihiin ee waa inay kala milmaan, waayo dhacday inuu xoghayaha guud ee UDUB fadhiisto fadhiga golaha wasiirada, badhasaabku waa UDUB oo maayarku waa UDUB oo sarkaalka ciidanka xukumaa waa UDUB ilaa biyo toonigu waa UDUB, markaa yaa la beretamaya, waxaanu leenahay UDUB iyo xukuumadda, UDUB iyo golayaashu wa isku millan yihiin ee ha kala milmeen”.

 

Ururka ASAD waxay dawladdu had iyo goor ku cambaarayn jirtey inuu yahay urur doorashada diidan oo fad-qalalo doon ah, laakiin doraad ayey arintaa ka hadleen, wuxuuna gudoomiyahooda oo arintaa ka hadlayaa yidhi “ in badan baa la yidhi ururka ASAD doorasho ma rabo, as-xaabi inay samaysanto ma rabo, waar yaadha waa rabnaa ee taasi waa been nalaga faafiyey, waar waa rabnaa ururka ASAD-na waxa uu isu diiwaan geliyey inuu ka qayb galo doorasho xor ah oo xalaal ah, waana inay doorashada saaxadeedu diyaar tahay, waana inay shuruudaha looga baahan yahay sugan yihiin”.

 

Hogaamiyayaasha ASAD waxayka hadleen dadka ajnebiga ee wadanka ku sugan, waxayna yidhaahdeen “dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan oo weliba qaarkood la siiyey warqadii dhalashada berito marka doorasho la galo sow saamayn maayaan waa inaynu dadkaa kala soocanahay, mana ogolin inay cod-bixinta ka qayb galaan, waa in la helo diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha”.

 

Hase yeeshee ururka ASAD waxa uu ka afeeftay hadii ay mudada ka hadhsan waqtiga doorashadu qabsoomi waydo sida la yeelayo, waxayna yidhaahdeen “ toddoba bilood baa ka hadhay nolosha xukuumadda maanta jirta, anaga way nala adag tahay sida mudadaa yar looga gaadhsiinayo waxaas oo hawl ah, hadiise ay dhacdo in laga gaadhsiin waayo ummad yahay waa waxa aad ka tidhaahdaan ee ASAD-na odhan mayso, xisbi kalena odhan maayo, xukuumaduna odhan mayso, waxaanuna ASAD ahaan qabnaa hadii laga gaadhsiin waayo in sida la yeelayaa ay noqoto talo loo dhan yahay”.

 

“Ururka ASAD waxa uu aaminsan yahay, kuna dhaqmayaa jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo inaanu waardiye ka ahaano madax banaanida Somaliland, waxaanuna aaminsanahay shareecadda islaamka iyo ku dhaqankeed, waxaanuna jecel-nahay in culimada faraha badatay la isu keeno oo la wada hadal-siiyo, lana mideeyo” ayey yidhaahdeen ASAD.

 

Waxa kale oo ay hogaamiyayaasha ASAD, halkaa kaga faaneen inay waxyaalo badan oo horumar ah qaban doonaan hadii ay tartanka hogaaminta ku guulaysteen, waxaana ka mid ahaa waxyaalaha ay ballan-qaadeen inay dadka laga tirada badan yahay sida gabooyaha ay marin doonaan xuquuqda shaqo iyo siyaasadeed ee ay leeyihiin.

 

 

Wasiir Ku-Xigeenka Waxbarashada Oo Tabobar U Xidhay 35 Macallimiinta  Madarasadaha Gaarka Ah Ee Hargeysa

 

 

Harg (Haatuf) :- Tabobar muddo 5 maalmood ah u socday 35 macallin oo ka kala socday dugsiyada gaarka ah ee Hargeysa ayaa shalay lagu soo gebogebeeyay madarasadda Cumar Binu Khadaab.

Tabobarkan oo ay qabanqaabidiisa iska kaashadeen xidhiidhka madaarista gaarka ah iyo urur ay leeyihiin ardayda Somalida ah ee wax ka barata Jaamacadaha Sucuudiga waxa muddadii uu socday macallimintu ku qaateen duruus la xidhiidha nidaamka wax-barista iyo tarbiyadda islaamiga ah, iyada oo ay duruusta bixinayeen macalliin wax ku baratay jaamacadaha Sucuudiga oo tabobarkan u yimid Hargeysa.

 

Xafladda xidhaanka tabobarkan, waxaa ka qaybgalay wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada Ismaaciil Maxamed Madar, Guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Hargeysa Axmed Cali Toor, Guddoomiyaha xidhiidhka dugsiyada gaarka ah Sh. Ismaaciil Dheeg iyo marti-sharaf kale oo badan.

 

Ugu horayn Sh. Ismaaciil Dheeg oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa ka waramay ujeedooyinkii loo aasaasay xidhiidhka madaarista gaarka ah, waxaanu sheegay inay ka mid yihiin in la xoojiyo wada-shaqaynta madaarista, in sare loo qaado aqoonta macallimiinta, in la helo manhaj mideeya madaarista oo haatan lagu dhigto manhajyo kala duwan iyo in la xoojiyo lana fududeeyo xidhiidhka madaarista gaarka ah iyo wasaaradda waxbarashada ka dhexeeya. Mar uu Sheekhu ka hadlayay tabobarkan waxa uu sheegay in ay ujeedadiisu ahayd sare u qaadista aqoonta macallimiinta, si ay waajibaadka saaran uga soo baxaan.

 

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Hargeysa oo isna hadalka qaatay ayaa ka waramay xidhiidhka loo baahan yahay inuu ka dhaxeeyo wasaarada waxbarashada iyo madarasadaha gaarka ah oo uu sheegay inuu yahay wada-shaqayn. Waxaanu intaa ku daray inay wasaaraddu kormeerayaal qiimeeya madarasadaha u soo diri doonto.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada oo khudbad xidhitaanka tabobarka ka jeediyay ayaa si gaara uga waramay manhajka waxbarashada dalka. Waxaanu sheegay in aan ilaa hadda la daabicin manhajkii Carabiga iyo Diinta ee wax lagaga baran lahaa dugsiyada dalka. “Ilaa hadad lama daabicin manhajkii Carabiga iyo Diinta ee dugsiyada, iyada oo ay dib u dhigeen hay’adaha inoo soo daabaca manhajka si ay ka tahayba, markaa haddii aanay dalalka Carabtu inoogu naxayn islaamnimo luuqadooda ha inoo daabaceen, waayo luuqad walba cidda leh ayaa ku dedaasha faafinteeda iyo daabacaadeeda,” ayuu yidhi wasiir ku xigeenku, isaga oo ka qaybgalayaashii tabobarka ka codsaday inay qaylo-dhaantaa gaadhsiiyaan dalalka Carabta. Waxaanu intaa ku daray inay hay’adihii samofalka ee islaamka iyo Carabtu ay ka gaabiyeen wax u qabashada Somaliland, oo ay nabadgelyo taam ahi ka jirto, halka ay hay’adihii kale dalka ka buuxaan.

Gebogebadii xafaladdana waxa shahaadooyin iyo abaal-marino lagu guddoonsiiyay ka qaybgalayaashii tabobarka.

 

Ururka SYS Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay 10 Qof

 

 

Harg (Haatuf) :- Ururka dhallinyarada Somaliland ee SYS ayaa shahaadooyin guddoonsiyay 10 xubnood oo shaqsiyaadkii qaybta libaax ka qaatay dib u dhiska iyo horumarinta dalka Somaliland.

Xaflad arrintaa ku saabsan oo shalay gelinkii dambe lagu qabtay Hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxaa ka qaybgalay xubnaha shahaadooyinka la guddoonsiiyay, mas’uuliyiinta ururka SYS iyo marti-sharaf kale oo badan.

Shahaadooyinkan oo ah abaal-marin uu ururka SYS ugu talogalay dadka dedaalka u galay ama wax ku soo kordhiyay dalka, iyada oo loo eegay qof wilaba halka uu wax ka soo kordhiyay. Tobankaa xubnood ee shahaadoyinka la guddoonsiiyayna waxa ka mid ah; Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ku mutaysatay waxtarkeeda dhinaca caafimaadka iyo dhismaha cisbitaalka dhalmada.

 

Waxaanu Talaalay 7164, Waxaana

Weli Tallaal U Baahan Carruur Farabadan

Isu-duwaha G. Awdal

 

 

Boorama (Haatuf) :- Isu-duwaha wasaarada Caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. C/raxmaan Jaamac Xaddi ayaa shalay u sheegay saxaafadda in shantii maalmood ee ololaha talaalku socday, in ay talaaleen 7164 caruurta da’doodu 5-jir ka yartahay ee ku nool degaanka Boorama, halkii ku talogalku ahaa in 13-17 July 7000 oo caruura laga talaalo lixda cudur ee dilaaga ah.

 

Dr. C/raxmaan Jaamac Xaddi wuxuu intaa ku daray in degaanka Boorama ay weli jiraan caruur u baahan talaal lixda cudur ee dilaaga ah, isaga oo intaa ku daray in 15-ka kooxood ee ka hawlgalay ololihii dhammaaday 17-kii July ee 2002, aanay gaadhin goobo ka tirsan degmada Boorama, hawsha oo badynayd awgeed, iyo in baahida talaal hadda loo baahan yahay ay keentay qiyaasta ololaha lagu hawlgalay oo la sameeyay laba sano kah. Muddadaas oo ay caruur badani ku dhalatay degaanka.

 

Isuduwaha gobolka Awdal ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. C/raxmaan Jaamac waxa kale oo uu sheegay in qoysas farobadan oo xiligan u soo xagaa baxay Boorama kana yimid Djibouti ay ka mid yihiin sababaha keenay in talaal dheeraada oo caruurta ah looga bilaabo degaanka Boorama.

 

Wasiirkii Difaaca Ee Jarmalka Oo

Shaqada Lagaga Eryay Laaluush Uu Qaatay

 

 

Berlin (BBC): Ra’iisal-wasaaraha xukuma dalka Germayn, Mr. Gerhard Schroede, ayaa shaqadii ka eryay Wasiirkii Difaaca ee Jarmalka, Mr. Rudolf Scharping.

Mr. Rudcolf, waxaa la sheegay in shaqada lagaga eryay eed ku saabsan laaluush uu ka qaatay shirkad ah kuwa gaarka loo leeyahay.

 

BBC-da ninka uga soo warama magaalada Barlin, ayaa sheegay in Mr. Scharping yahay Wasiirka ugu nasiibka badnaa ka badbaadidda fadeexadaha oo hare uga badbaaday fadeexaddo lagu eedeeyay. Mr. Scharping, wuxuu ku qirtay Wareysi ay la yeelatay Jariidad maalinle ah inuu ka qaatay ninka xidhiidhka dadka u qaabilsan shirkaddan eeddu ka soo baxday Mr. Morite Hunziner lacag dhan 140, 000 (boqol iyo afartan kun) oo Mark Jarmalka ah, una dhiganta $72,000 (laba iyo toddobaatan kun oo doollar), laakiin wuxuu ku dooday in lacagtan ay ahayd shaqo uu hore u qabtay intii aanu Wasiir ka noqon gunadii laga siiyay.

Sharciga dalka Jarmalku ma ogola lacag aan ahayn Mushaharkooda Wasiirnimo oo soo gasha Wasiiradda dalkaas. Mr. Schapin waxaa beddelaya oo noqonaya Wasiirka cusub ee Difaaca dalka Jarmalka Mr. Peter Struck oo ka tirsan Xisbiga Social Democratic ee dalkaas.

 

Warka bedelaada Mr. Scharpin, wuxuu markii ugu horreysay soo baxay markii uu Ku-xigeenka Baarlamaanka Jarmalka oo ka tirsan Xisbiga haya talada Jarmalka ee (SPD) uu u sheegay Jariidadda Die Weh in la go’aamiyay bedelaadda Scharping.

 

Warkani wuxuu intaa ku daray in Mr. Scharping xagaagii hore ay Jaraa’id sawiro ka soo qaadeen, isagoo gabadh ay saaxiib yihiin kula tumanaya Barkad dabaal-raaxeysiga loo tago oo ku taal Jasiiradda Mallarco ee dalka Spain, hase yeeshee arrintaa waxa shiiqiyay dhacdooyinkii 11 September ee ka dhacay Maraykanka.

 

Afar Askarta Israa’iil Ah Oo

Lagu Eedeeyay Hub Ay Ka Iibiyeen Falastiiniyiinta

 

 

Afar ka mid askarta Israa’iil ee degen daanta Galbeed ayaa loo xidhay eedayn ah in ay hub ka iibiyeen kooxaha malaashiyada ah ee reer Falastiin.

Raadyowga Israa’iil ayaa sheegay in askartan Israa’iil ee eedaynta hub iibinta loo xidhay ay laba ka mid ahi yihiin walaalo oo degan degaanka Adora, oo ahayd halkii afarta Israa’iiliyiinta ah lagu dilay 27 April ee sannadkan.

 

Gelinka dambe ee maanta (shalay) waxaa madaxweyne Bush kula kulmayaa guriga Cad ee Maraykanka saddex wasiir-Arrimo dibadeed oo ka socda dalalka Carabta, kuwaas oo kala ah; Axmed Mahar (Masri), Marwan Muasher (Jordan), Amiir Sacuud Al-faysal (Sucuudi Careebiya).

Waxaa la filayaa inay Mr. Bush kala hadlaan sidii Israa’il ay xayuiraada uga qaadi lahayd dagaanada Falastiiniyiinta ee ay ciidamada keentay kadib weeraradii is-biimaynta Bamamka ee Falastiiniyiinta.

Marka laga reebo hub ay iibiyeen oo lagu eedaynayo askarta reer Israa’iil ee la xidhay, waxaa kale oo lagu dacweeyay inay dirayskooda ciidamada siiyeen Falastiiniyiin si ay ugu soo dhaafaan kontoroolada ay joogaan ciidamada Israa’iil ee ku yaala degaanka Telem.

 

Nin la yidhaahdo Terje Roed Larsen oo ah khabiir gacan ka geystay shirkii 1993 ee ka dhacay Oslo – Norway, oo ka hadlay shir ay Q. Midoobay xafiiska u qaabilsan nabad-raadinta Bariga Dhexe oo siminaar ku qabatay Copenhagen – Denmark ayaa hadal uu ka soo jeediyay halkaa ku sheegay in dhinacyo hortaagan in nabadi halkaa ay ka dhacdo la siiyay fursado ay kaga qaybgelayaan hawlaha nabad-raadinta Bariga Dhexe, tasina ay keenayso inaan weliged mushkiladda Bariga Dhexe xal loo helin.

 

IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid Ismaaciil Guraase

Xuquuqda Saaran Qofka Muslimka Ah

 

Qofka Islaamka ah, waxaa saaran oo lagu leeyahay xuquuq iyo waajibaad farabadan oo loo baahan yahay inuu ka soo baxo. Xuquuqdan oo aad u badan, waxay u kala baxaan xuquuq guud oo dadka oo dhan ka dhaxaysa iyo xuquuq gaar gaar ah oo qof walba goonidiisa u saaran lagana rabo inuu ka soo baxo.

Haddii aynu xuquuqdaa qaar ka soo qaadano, waxaa ka mid ah:

1. Xaqa Illaahay

Xaqa uu Illaahay ku leeyahay adoomihiisa, waa xaqa koowaad ee la rabo inuu qof kasta ka soo baxo, una ilaaliyo sida ugu haboon ee uu karayo, waayo? Illaahay qofna muu saarin wax aanu karayn. Sidaasuu Illaahay Quraanka inoogu sheegay ayaad uu macnaheedu yahay; “Illaahay nafna kumuu kalifin wax aanay karayn.” Sidaa darteed qofka Muslimka ah, waxaa saaran inuu xaqa Illaahay uga soo baxo sida uu karayo, maadaama uu Illaahay mahadi haka gaadhee uu inoo fududeeyay.

 

Xuquuqda uu Illaahay ku leeyahay adoomihiisu aad bay u farabadan yihiin, waxaana ka mid ah:

-          In Illaahay la adeeco, loona hogaansamo wixii uu ina faray.

-          In Illaahay la caabudo oo laga horeysiiyo wax kasta.

-          In laga fogaado wixii uu Illaahay inaga reebay oo dhan.

-          In lagu camal-falo Quraanka Kariimka oo ah hadalkii Illaahay.

-          In la iska ilaaliyo in Illaahay cid kale la barbar dhigo ama shirki lala yimaado.

Xuquuqdaa iyo kuwo kale oo badan ayuu Illaahay ku leeyahay adoomihiisa oo laga doonayaa in ay ka soo baxaan. Waxaa iyaduna jirta xuquuq ay adoomuhu ku leeyihiin Illaahay marka ay ka soo baxaan xaqiisa, taas oo ah in aanu Illaahay cadaabin oo uu Jannadiisa geeyo.

2. Xaqa Rasuulka (N.N.K.H.A)

Xaqa labaad ee qofka saarani waa xaqa Rasuulka uu Illaahay inoo soo diray oo ah Nebi Maxamed (N.N.K.H.A), kaas oo laga doonayo qofka Muslimka ahi inuu ka soo baxo. Xaqa uu Rasuulku leeyahay aad buu u badan yahay, waxaana ka mid ah:

 

-          In Rasuulka la rumeeyo, wixii uu Illaahay inoogu soo dhiibay inuu xaq yahay

-          In Rasuulka (N.N.K.H.A) la adeeco, wixii uu ina faray, lagana hadho wixii uu inaga nahiyay.

-          In Illaahay lagu caabudo dariiqa uu Rasuulku jeexay (N.N.K.H.A)

-          In Sunaha Nebiga (N.N.K.H.A) la adkeeyo, laguna camal-falo.

Xuquuqdaa iyo kuwo kale oo badan, ayuu Rasuulku leeyahay, loona baahan yahay in laga soo baxo.

3. Xaqa Waalidka

Xaqa Waalidku waa xaqa ugu weyn ee ku xiga xaqa Illaahay iyo Xaqa Rasuulka (N.N.K.H.A) ee laga doonayo inuu qofku ka soo baxo. Waayo? Waalidku waa kuwii ku dhalay ee sabab u ahaa jiritaankaaga adduunyada, jidhkoodana lagaa jeexay.

 

Waalidku Inkasta oo ay xuquuq wada leeyihiin, haddana way sii kala xaq leeyihiin oo waxa weyn xaqa ay hooyadu leedahay oo saddex goor ka badan ka aabaha. Sida uu Rasuulku inoo sheegay (N.N.K.H.A). sababtuna waxay tahay, hooyadu mar uurkeeday kugu siday, marna bogeeda, marna dhabteeda, marna dusheeda. Sidaa darteed, xaqa waalidka marna lama soo celin karayo, wax kasta oo uu qofku sameeyo. Sababtuna waxay tahay, hooyadu markii aad yarayd waxay kuu korinaysay in aad waynaato oo aad nolol fiican ku noolaato, halka aad adigu marka ay waynaadaan wax uga tarayso, adiga oo dhimasho la sugaya oo is leh inta noloshooda uga hadhay wax sii.

 

Maalinta qiyaamaha waxaa jira qolo Jannada iyo Naarta u dhaxaysa oo la yidhaa Asxaabul Acraaf, waxaanay Culimadu ku macneeyeen in ay yihiin dad ka soo baxay xaqii Illaahay.

4. Xaqa Carruurta

waxaa isaguna jira xuquuq ay carruurtu ku leeyihiin Waalidka oo loo baahan yahay in ay ka soo baxaan, markaas oo uu dhammaystirmayo xaqa waalidku, haddiise ay dayacaan wuu dhinmayaa xaqa ay Waalidku leeyihiin, xuquuq ay ka mid yhiin:

-          In ay waalidku u bixiyaan magac fiican

-          In ay hagaajiyaan tarbiyadiisa iyo aadaabtiisa.

-          In ay ilaaliyaan nafaqayntiisa iyo quudintiisa, taas oo si gaar ah u saaran Aabaha.

Nin ayaa u yimid Cumar binu Khadaab oo Amiir ah, isaga oo wada wiil yar oo uu dhalay, waxaanu Cumar binu Khadaab u sheegay inuu wiilkani ku caasi garoobay. Cumar-baa kadib, wiilkii waydiiyay sababta uu aabihii ugu caasi garoobay. Wiilkii waxa uu ku jawaabay, anigu miyaanay isaga xaq ku lahayn? Cumar baa yidhi; “Waad ku leedahay.” Markaasuu wiilkii yidhi; “Aabahay isagaa xaqaygii dayacay oo magac fiican iimuu bixin, tarbiyad iyo tacliin igumuu darin, noloshaydana muu hagaajin.” Cumar intaa kadib, odaygii wuxuu ku yidhi; “Adigaa markii hore xaqiisii dayacay, markaasuu adigana xaqaagii dayacay.”

 

Halkaa waxaa inooga cad inuu horeeyo xaqa ay carruurtu leeyihiin, inta ay yaryar yihiin, marka ay weynaadaana laga doonayo xaqii Waalidku uu ku lahaa.

La soco……….

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Ambasador Waa Ilayska Ku soo Kordhay Hargeysa

Anaga oo ka mid ah dhallinyarada deggan magaalada Hargeysa ayaa waxa aanu fikir midaysan kaga hadlaynaa maqaal Arbacadii uu qoray Wargeyska Warjire kaas oo ahaa xalay ayaa Hotel Ambassador la dajiyey Calanka Somaliland.

 

Haddaba waxaan leenahay oo aanu u sheegaynaa Wargeyska la yidhaa Warjire iyo meelaha uu ka soo xigtayba waa wargeys cusub oo dhawaan ku soo biiray masraxa saxaafadda, jecelna inuu kasbado ama helo akhristayaal tiro badan oo xiiseeya wararka iyo dhacdooyinka gudaha dalka iyo dunida kaleba ka jira.

 

Haddaba bulshadan aad wargeys ahaan ka rabto in ay xidhiidh joogto ah kula yeeshaan oo aad kula tartanto wargeysyada kale ee iyaguna soo baxa sidaa Haatuf, Codka Shacabka, Maandeeq iyo Jamhuuriya ma jeclaysanayaan wararka aad qorayso, xaqiiqduna waxa ay tahay dadka reer Hargeysa Hotel Ambassador waxay u arkaan laambad ama iftiin u soo kordhay, waa goob looga faa’iidaysan karo siyaabo fara badan, waa goob aynu ku qaabili karo haddii la inooga baahdo shir ay u dhan yihiin dhammaan dalalka Geeska Afrika ay ka kooban yihiin, wufuuda ka socotana ay ku degi karto, lehna adeegyada ay leeyihiin hoteelada ku yaalla wadamada hore u maray.

 

Intaa kadib waxaad bal isweydiisaa ninka shakhsiga huteelka iska lihi marka horeba wuxuu calanka Somaliland goobta u gaarka ee mulkiyadiisa uu iska leeyahay u sudhay waxa la odhan karaa waa muwaadinimo ninka intaa le’eg dhulkiisa u quudhay ee maalgashiga ku sameeyay waxaan qabnaa in aanu jirin qof ka muwaadinsani, inaga oo jamhuuryad yar ah oo waliba aan la aqoonsan qofka soo kordhiya meel indhaha Caalamka soo jiita, wax tarna u leh dalka. Ma wanaagsana in meheradiisa ama isaga iin loo yeelo ee waxa wanaagsan in lagu hambalyeeyo, ummaddana loo sheego inuu waxtar soo kordhiyay

Muuse Xuseen Xasan iyo Abshir Axmed Maxamuud, Hargeysa

 

 

Saxaafaddu Ma Adoo Indho La’ Faafi War Xun Baa?

Tixraac hadal ku qornaa War-jire arbacadii 17 Julay 2002, cadadkii 9aad oo uu ciwaan u ahaa “Ilaa hadmay u madoobaanaysaa kooxo dhiigmarato ah maaha Shacbiga lagu eego cid aan ka naxayn” haddaanu nahay ururka Help ee hantiilayaasha Mishiinada laydhka ee Hargeysa, waxaanu u aragnay qoraalkaa oo ayna muuqan cidii tidhi ama aan la qorin cid laga soo xigtay inuu ahaa mid cidii qortay ay ka muuqatay inay ka aradanyihiin anshaxii saxaafada lagu yaqaanay ee sharciga, waxaa kale oo muuqatay cidii qortay oo ay iskaga hubin kari waayeen cidii u dhiibtay ee lahayd erayada iyo caqli xumadaa, waxaa isweydiin leh saxaafada ma aflagaadada iyo afxuma shaqo baayacmushtarka xalaal ah oo dad furteen baa? Saxaafadii ma waxaad doonto ku ceebee Qoraalkaa? Saxaafadi ma adoo indha la’ faafi war xunbaa? Isla cadadkan aanu Qoraalka ku xusnay waxaa ku qornaa aflagaado, ka fog anshaxa saxaafada oo wax lagaga sheegay baayacmushtar kale oo ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah. Waxaanu soo jeedinaynaa in si wax ku oola wax looga qabto qoraaladaas iyo cidii qortay si loo dhowro sharciga iyo xuquuqda muwaadiniinta Somaliland.

Ismaaciil Mahdi Xuseen iyo Axmed Cismaan Cajab.

 

Qaxootiga Inala Joogga Iyo

Kuwa Soo Qulqulaya Miyaan Laga Fiirsan

Qaran kasta oo ku nool dal, waxa ay ku dhaqmaan sharci iyo dastuur buuxa, kaas oo kala xadeeya muwaadinka iyo laajiga.

 

Haddaba dalkeena J. Somaliland, waxa aad ugu soo qulqulaya dad Laajiya aan dalka u dhallan, kuwaas oo qarqiyay meel kasta oo dalka ah, isla markaana meel aad iska taagto aanad helaynin.

Waxa taas u sabab ah, iyada oon dawladdu samaynin wax xil ahna aan iska saarin, sidii ay u samayn lahayd Taysaro ama Aqoonsi gudaha ah, taas oo ah ta kala duwi karta dadka Muwaadinak ah ee u Dhashay dalka (Wadani) iyo ka aan wadaniga ahayn ama Muwaadinka ahayn (Laaji).

 

Haddaba Mushkiladda ballaadhan ee maanta ku badan dalkeena, waa dadka laajiga oo buuxiyay Waddanka meel kasta, kuwaas oo ka faa’iidaystay Sharci la’aanta ay dayacday dawladdu. Dadkaas buuxiya dalka, waxa ay ku soo shaqo tageen farsamooyin kala duwan, kuwaas oo ay qaarkood ku cidhiidhyeen dadkii Muwaadiniinta ahaa ee ku xaq lahaa, tusaale ahaan; haddii aqal la dhisayo, kuwa ka shaqeeyaa waa Laaji, farsamo-gacmeed kale ha noqoto ama xoogsiba. Waxa jira qaar kale oo iyagu ka yimid Itoobiya iyo Koonfurta Soomaaliya, xoolo iyo beero ku leh dhulkii ay ka yimaadeen oo ka dawarsada Somaliland. Kuwa Itoobiya ka yimaadda, tusaale ahaan waxa ay helaan ee ay dawarsadaan oo ah lacagta Somaliland, waxay u bedelaan lacagta Itoobiyaanka (BIR). Marka ay lacagta dawarsadaan ee ay u badashaan lacagta Itoobiyaana, waxa ay u diraan am inta ay tagaan ayay u geeyaan dadkoodii kale ee aan baahi ay ku dawarsadaan aanay haynin, balse ay tahay Baayacmushtari u soo shaqo tagay.

 

Haddaba aniga oon xaasidaynin ama ka hortaagnayn, waxa aan ummadda u sheegayaa Inkasta oo la ila ogyahay in ay ku shaqaysanayaan in yar mooyee, inta u badani xaalad farsamo oon baahi u gaynin dawarsiga..

Adduunka ama Wadamada kale, waxa jira dad Qaxooti ku yimaadda, waxa ay u sameeyaan meel ka gaarra ama xerro gaarra oo lagu quudiyo, siday kaga baxaan dalkaa ay martida ku yihiinna way adagtahay ama ay faras magaalaha isu dhextaagaan oo ay is dhexgalaan dadka waa mid aan dhicin.

Guntii iyo geba-gabadii, waxaan dulucda aragtidaydaa ku soo gabo-gabaynayaa, waar dadkan aan u dhalan dalka ee meel kasta iskaga yimid waa in loo sameeyo xerrooyin ka fog ama ka durugsan oo wixii la siin karo hala siiyo oo haloo baryo hay’adaha qaxootiga qaabilsan iyo kuwa kale ee samofalka.

 

Dhinaca kale, waxa ay khatar weyn ku yihiim caafimaadka bulshada, waayo? Dadkaa waxa ku jira kuwo sida cudurro lays qaadsiin karo, sidaas darteed waa in si foojigan dareen loogu yeeshaa halistaas.

Axmed Cali Muxumed, Hargeysa

 

Wixii Cawl Cunay Cid Dayn Maayee Ninkii Ceeblow Iskaga Carar

Runtii waa tallaabo aad u fiican oo loo qaaday dhinaca wanaagga, Mudanaha in la hambalyeeyo, waxaanuna leenahay, haddaanu nahay dadweynaha Hambalyo, Hambalyo adiga iyo Ku-xigeenkaagaba, waxaananu ku leenahay wad, wad waad haysaa wadadii caddayd, waxaananu kugu dhiiri-gelinaynaa meesha ugu daran Musuq-maasuqa ee muwaadiniintii ka caagtay in ay isticmaasho ee ay ka doorteen meel aanay uba dhalan.

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa; “RAG CIIL CADAAD KA DOOREY” meesha noocaas ah, waa Dekedda Berbera ee waa in aad abaartid, Cawlna haka reebin Saaxiibadiisii loo wada xidhay Musuqa.

“Wixii Cawl cunay cid deyn maayee, ninkii ceeblow iskaga carar”

Cabdillaahi Cali Xuseen, Hargeysa

 

Jinka Aan Ku Wareejino

Dhawr bogcadood oo ku yaalla Somaliland, ayaa isugu jira qaar sidii la rabay aan looga faa’iidaysan, qaar la isku dayay in laga faa’iidaysto, laakiin ummaddu diiday in ay isticmaasho, qaar la jecel yahay in laga faa’iidaysto, laakiin khilaafkoodu batay, sidaas darteed dhawrkaa bogcadood, waxay xaq u leeyihiin in lagu wareejiyo ummad nidaamsan u isticmaasha oo waa ayo?

Anigu waxaan ku talin lahaa (talo Illaah baa lehe) in Jinka lagu wareejiyo

1.            Dekedda Berbera ee nacabkeed u jabtay

2.            Garoomada Ciyaaraha Boorame oo markasta dhallinyaradu isku layso oo u muuqda mid marinkiisii gabay.

3.            Guryaha afarta ah ee ku yaalla Dooxa Hargeysa oo loo yaqaano Jajabka oo dhawr maayar isku dayeen in ay dad dejiyaan, laakiin ugu taag waayay, ayaa iyaguna aan ka maarmayn in Jinka loo haneeyo oo lagu wareejiyo.

4.            Hangarka weyn ee Burco oo kolba la soo weriyo in kooxi u soo gurguurato oo wax ku layso amaba cidda xaq u leh la isku qabsado, ayaan odhan laha waxaa xaq u leh meeshaa Jinka reer Yaangamasuur ee dhakhso ha loogu wareejiyo

5.            Ceelasha Geed-deeble oo ahaa Bogcadda aynu isku hallayn jiray in ay inaga haqabtirayso biyaha looga baahan yahay caasimadda, ayaa Maareeyahoodu wuxuu leeyahay biyo yaraani ma jirto, cilladina ma jirto, laakiin biyuhu waa yar yihiin, xaaladduna waa mid sii adkaanaysa maalinba maalinta ka dambaysa, markaa waxan u malaynayaa in marka Jinka lagu wareejiyo ee uu gurto hantida iyo doollarka badan ee ka soo xeroodo inuu biyaha afarta jiho u faraqi lahaa oo lagu oon bixi lahaa, meeshaasina Insigii wuu uga daray ee Ibliiska iyo Jinka haloo dhiibo furayaasheeda, waayo? Insigu oon buu soo kordhiyay.

C/raxmaan C/laahi Cali, Hargeysa

 

Waraaq Furan

Anigoo ah muwaadin Somalilander ah, waxaan doonayaa inaan xukuumadda u sheego xaq beel ahaan nooga maqan, taas oo nalaga qadiyey xilalka xukuumadda oo had iyo goor lagu bixiyo saami qaybsi ku salaysan hab beeleed.  Sidaa darteed anaga oo ah beesha Ugaadh Abokor oo ka mid ah reeraha beesha Sacad-muuse ugu waaweyn ma jiro wax xil ah oo aanu ka haynaa xukuumadda Somaliland hadii ay tahay wasiir, wasiir-kuxigeen, xubin baarlamaan IWM., taas oo u muuqata cadaalad daro lagu sameeyey beesha Ugaadh Abokor, ayna tahay in wax laga qabto

Cali Xaashi Kaariye, Hargeysa.

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Kooxda Gobonimo Oo 2-0 Ku Jiidhay Gebilay

 

 

Gebiley (Haatuf) :- Kooxda kubadda cagta ee Gebonimo oo ku ciyaaraysa magaca suuqa cusub ee laga sameeyay xisbiga ayaa 2-0 kaga adkaatay kooxda Goodir ee degmada Gebiley oo ay wada yeesheen ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday fagaaraha kubadda ee Gebiley.

Ciyaartoyga Gebiley oo ka mid ahaan jiray kuwa ugu cad-cad ciyaartoyga Somaliland ayaan kulankaa soo dhandhigin ciyaarihii looga bartay, iyada oo gurigooda lagaga adkaaday.

 

Qaybtii hore ee ciyaarta ayuu Maxamed Yaakhii oo u ciyaarayay Gobanimo dhaliyay goolkii koowaad ee ciyaarta, qaybtii horena waxa lagu kala nastay 1-0. Hase yeeshee, markii la isugu soo noqday wejigii labaad ee ciyaarta ayaan wax weyni iska beddelin, iyada oo kooxda Gobanimo heshay goolkeedii labaad, waxaana u saxeexay ciyaartoyga Siciid Kuusoow.

 

Inkasta oo inamadii u ciyaarayay Goodir Gebilay ay ku dedaaleen inay iska soo gudaan goolasha lagu leeyahay, haddana umay suurtogelin ciyaartiina waxya ku dhammaatay 2-0 ay guushu u raacday kooxda Gobanimo.

 

Suuqa ganacsiga ee Gobanimo oo dhowaan la sameeyay ayaa ku guulaystay inuu samaysto koox magaciisa ku ciyaarta, taas oo qayb ka qaadanaysa caan-baxa suuqa cusub.

Marka si kale loo eegana waxay noqon kartaa talaabo weyn oo dhiirigelin u ah horumarka ciyaaraha Somaliland.

 

Liverpool Ma Soo Ceshan

Doontaa Doorkii Kubadda Cagta Ee Yurub?

 

Kadib markii ay 17 sanadood la daalaa dhacaysay dakharadii iyo diiftii uu ku reebay ganaax caalami ah oo muddo lagaga xanibay ka qaybgalka ciyaaraha caalamiga ah Liverpool, hadda waxay isu dhigtay koox soo ceshan karta magacii ay dunida ku lahayd intii ka horaysay 1985, oo ahayd markii laga joojiyay kaqaybgalka tartamada Yurub, kadib markii taageerayaasheedu ku dhaqaaqeen falkii lagu rogmaday ee ka dhcay Belgium.

 

Xilli-ciyaareedkii kalhore ee 2000/2001, ayay markii ugu horraysay ka muuqatay fagaaraha dunida, waxayna markeliya ku wada guulaysatay afar koob oo laba ka mid ahi heer caalami yihiin. Liverpool waxay sannadkii tegay kaalinta labaad ka gasha horyaalka waddanka England. Sannadkan aynu ku jirno waxay kooxdu qaaday talaabo mug leh oo ay isugu diyaarinayso tartamada soo socda (England iyo kuwa Yurub) intaba.

Tabobaraha Faransiiska ah ee Liverpool ee Gerard Houllier ayaa dhowaan sheegay in kooxdu iibsatay shan ciyaartoy qaar kalena weli doonayso.toddobaadkii tegay ayay Lilverpool soo xerogelisay El Hadji Diouf oo ka mid ah xiddigaa koobka adduunka ee dhowaan la magacaabay, waxayna 10 milyan oo gini kaga soo iibsatay kooxda Faransiiska ee Lens.

 

21-jirka reer Senegal oo horyaalkii dhammaaday kooxdiisa u dhaliyay 10 gool wuxuu Liverpool la saxeexday qaraar shan xilli-ciyaareed ah.

Salaasadi tagay ayuu Diouf garoonka tabobarka ee Melwood ugu tegay Alou Diarra iyo Bruno Cheyron oo ay kala soo wareegtay kooxaha Lille (France) iyo Bayer Munich.

Dhammaan saddexda ciyaartoyba waxay Liverpool ugu kaceen 14 milyan oo gini.

Salif Diao oo ay xulka qaranka Senegal ku wada jiraan Diouf ayaa isna ka mid ah ciyaartoyga kooxdu la heshiisay.

 

Salif Diao, oo u safta Sedan oo Faransiis ah waxaa lagu heshiiyay inuu dhammaadka sannadka u soo wareegao Liverpool.

Inkasta oo Liverpool heshiis lagashay afartaa ciyaartoy iyo weliba ciyaaryahanka kale ee Lee Bowyer oo ay kala wareegtay Leeds, haddana tabobaraha Houllier wuxuu caddeeyay inaan weli fari ka qodnayn ku talogalkoodii oo ay ciyaartoy kale oo badan iibsanayaan marka la gaadho bilowga tartamada horyaalada Yurub.

 

Gerard Houllier, wuxuu muujiyay siday uga go’an tahay baadi doonka ciyaartoy intaa ka sii badan, wuxuuna yidhi; “El Hadji Diouf wuxuu ku biirayaa Owen iyo Heskey, waayo had iyo goor waxaan idhaahdaa waxaan u baahanahay afar ilaa shan weeraryahan, hadadna shan baanu haysanaa.”

Wuxuu kaloo intaa ku daray; “aad baan ugu faraxsanahay ganacsiga aanu qabanay, laakiin weli may dhammaan.”

 

Diouf oo ka hadlay mustaqbalkiisa ciyaareed markii uu Liverpool yimi kadib ayaa isna sheegay sida uu awood ugu leeyahay inuu ku guulaysto xiddignimada dunida, wuxuuna yidhi; “Waxaan doonayaa inaan ka mid noqdo xiddiga dunida ugu fiican, waanan aaminsanahay inaan awoodi karo, maadaama aan tegay Liverpool oo uu joogo tabobare khibrad weyn leh.”

Kasokow xiddigaha cusub ee Liverpool ku soo biiray iyo weliba halbowlayaasha caanka ah ee hore u sii joogay, waxay kooxdu tiigsanaysaa ciyaartoyga Ireland ee D. Daff ee kooxda Blackburn oo la filayo in lagu heshiiyo toddobaadkan aynu ku jirno.

 

Hadda tallaabada cusub ee Liverpool qaaday waxay marag cad u tahay siday uga go’an tahay la soo noqoshada haybaddii ka luntay muddo kahor, iyada oo durba talaabo hordhac ah qaaday.

Sannadkii 2001, waxay ku guulaysatay afar koob oo kala ah; koobka UEFA Cup, oo ay ka qaaday kooxda Isbaanishka ah ee Alaves oo ay isugu yimaadeen ciyaartii kama-dambaysta ahayd, sidoo kale waxay hanatay koobka European Super Cup Winners, oo ay wada ciyaareen Bayern Munich oo haysatay koobka horyaalka kooxaha Yurub. Isla sannadkaa waxay Liverpool ku darsatay labada koob ee (FA Cup Winner iyo Worthington Cup) ama COCA-COLA Cup).

 

Liverpool waa kooxda ugu horaysa marka laga hadlayo taariikhda kubadda cagta England, waxayna kooxdu ku guulaysatay sagaal koob oo kuwa Yurub ah, kuwaas oo kala ah; afar koobka horyaalada Yurub ah (UEFA Champions League) oo ay ku guulaysatay sanadihii 1976/77, 1977/98, 1980/81, 1983/84. koobka Super Cup-ka waxay hanatay laba goor oo kala ah 1977/78, 2001/2002, halka ay koobka kale ee UEFA Cup ku guulaysatay saddex goor oo kala ah; 1972/73, 1975/76 iyo 2000/01.

 

Marka laga tago sumcada ciyaareed ee Liverpool ku leedahay dalka debeddiisa, waxa kale oo ay kaalinta koowaad kaga jirtaa hanashada koobka horyaalka England oo ay ku guulaysatay 18 goor, oo ay ugu horaysay sannadkii 1900, iyada oo markii ugu dambaysay ee ay ku guulaysato horyaalka England ahayd sannadkii 1990.

 

Liverpol waxay ka mid tahay saddexda kooxood ee horyaalka ku guulaystay saddex goor oo isku xiga oo kala ah; 1981/82, 1982/83 iyo 1983/84. Liverpool sagaal horyaal oo isku xiga ayay toddoba a mid ah ku guulaysatay.

 

Sidoo kale waxay lix goor ku guulaysatay koobka FA Cup, waxayna kala yihiin sannadihii 1964/65, 1973/74, 1985/86, 1988/89, 1991/92 iyo 2000/01.

Worthington Cup waxay ku guulaysatay saddex goor oo kala ah; 1980/81, 1994/95, 2000/2001.

Milk Cup, waxay isna ku guulaysatay saddex jeer oo kala ahaa; 1981/82, 1982/83, 1983/84.

 

 

 

 

 

Dhaqaale-Xumo Ku Habsatay

Sayladda Ganacsiga Ciyaartoyga Yurub

 

 

London (AP) – Iibsashada iyo heshiisyada in badan oo ka mid ah ciyaartoyga ugu sarreeya Yurub ayay dhibaato ka haysataa sidii ay u heli lahaayeen meel ay salka dhigaan, kuwaas oo aanay jirin cid doonaysa inay iibsato.

 

Sannado kadib markii uu cirka isku shareeray qiimaha wax lagu kala iibsado iyo mushaarkuba, ayay hadda kooxo badan soo food-saartay dhibaato weyn oo xagga dhaqaalaha ahi, iyada oo suuqa ganacsiga Yurub dhammaantii uu istaaga oo xagga dhaqaalaha ahi, iyada oo suuqa ganacsiga Yurub dhammaantii uu istaagay.

 

Waqtigan oo kale waxay ahaan jirtay in la isu mari waayo sayladaha oo xaami ah dartood, balse hadda m jirto cid la kala dalbanay, dhaqdhaqaaquna aad buu u yar yahay.

Sido kale cashuraha Telefishanadu ka qaadaan ciyaartoyga ayaa sii culaysiyay dhaqaalaha kooxo badan oo horeba xaaladoodu u cakirnayd.

 

Ciyaaryahanada ugu caansan ee kooxda Inter Milan ayaa sheegay inay iskood u dhimayaan mushahaarkooda, iyaga oo ka hortegaya in dhaqaale xumo weyni ku habsato kooxdooda.

Ciyaaryahanada kala ah Recoba, Ronaldo iyo Vieri ayuu mid waliba dhimayaa shan ilaa 10 boqolkiiba sanad kasta mushahaarka ay qaataan.