Haatuf, Cadadki 125, July 29, 2002

10-Qof Oo Soomaali Ah Oo Maanta Laga Mustaafurinayo Somaliland

Badheedhaha Wasiirka Daakhiliga, Cudur-daarka Wasiirka Ciyaaraha iyo Doodda C/Qaasim

 

 

Hargeysa (Haatuf): Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in maanta dalka laga saarayo Sagaal Nin iyo haweenay Garsoorayaasha Ciyaaraha ah oo u dhashay Deegaanada Soomaalida Koonfureed, kuwaas oo toddobaadkii hore yimi magaalada Hargeysa, iyagoo ka soo duulay magaalada Muqdisho, kadib markii ay Wasaaradda Dhallinta iyo Ciyaaraha Somaaliland ka codsatay xidhidhka Ciyaaraha Olombikadda Soomaaliyeed in ay u soo diraan Garsoorayaal Ciyaaraha kala duwan ah oo dhexdhexaadiya Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland, isla markaana ka hawl-gala Maamulka Ciyaaraha iyo Kormeerkoodaba.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland C/laahi Cumar Cige, ayaa u xaqiijiyay Haatuf, Musaafurinta garsoorayaashaa Soomaalida ah, kuwaas oo uu sheegay in maanta loo duulin doono magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka yimaadeen.

 

“Lama xidh-xidhin ee waanu celinaynaa, berri (maanta) ayaanay tegayaan,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “C/Qaasim dibadda ayuu ku maqnaa, xalay (Habeen hore) buu yimi, markii uu yimi idaacadaha ayaa laga wareystay, waxaanu sheegay in dalku wanaagsan yahay, dhammaan gobolladana laga bilaabay tartanka ciyaaraha gobolada. Gobolladaas uu sheegtayna inaga (Somaliland) ayaa ugu horreynay. Markaa haddii nimankaasi ciyaaraheena ka garsoorraan, waxaynu noqonaynaa uun gobolkii Waqooyi Galbeed.”

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, wuxuu xusay in sidaa aawadeed go’aan lagu gaadhay in dadkaas oo 10-qof ka kooban, laga saaro oo lagu celiyo meeshii ay ka yimaadeen.

Wasiirka Daakhiliga mar aanu wax ka weydiinay, bal inuu oggaa wasaarad ahaan, imaatinka garsoorayaashaas, wuxuu sheegay in aanu hore u ogeyn.

 

“Laanta Socdaalku ma hoos timaado Wasaarada ee waxay hoos tagtaa hay’adda Sirdoonka. Markaas anigu shalay baan ogaaday, waxaanan ku ogaaday Warqad ay ii soo qoreen niman dhallinyaro ahi oo ay leeyihiin siday u dhacday in la yidhaahdo Xamar baa garsooraysa Ciyaaraha Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Daakhiliga, waxaanu intaa raaciyay oo uu sheegay in markii dambe loo sheegay in ay Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Garsoorayaasha dalka keentay.

 

“Kolkii hore wasaarada Ciyaaraha ayaa u yeedhatay, arrin wasaarada u gaar ah ayuuna ahaa, laakiin markii dambe markaanu tallo ka yeelanay, waxa la go’aamiyay in la celiyo,” ayuu yidhi C/laahi Cade. Wasiirku wuxuu xusay in garsoorayaashaasi ay haystaan tigidhadii ay ku noqon lahaayeen, sidaasna lagu amba-bixin doono maanta, mana jiraan ayuu yidhi; “Haba yaraatee, wax dhibaato ah oo loo geystay.”

 

Qaar ka mid ah dadka la socday dhacdadan, ayaa sheegay in arrintani muujinayso iska war-hayn la’aan Xukuumadda dhexdeeda ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aanu taas wax ka weydiinayna, waxa uu yidhi; “Waxaan dhawr jeer ku cel-celiyay siday ku soo galeen dalka, markaas dadkan waa loo yeedhay markii hore, arrin wasaaradda ciyaaraha u gaar ah ayuuna ahaa.”

 

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in markaas la gaadhay go’aankaa dibu celinta ah oo uu sheegay inuu yahay mid maamulka Somaliland gaadhay.

 

Toddobaadkii hore ayay magaalada Hargeysa soo gaadheen garsoorayaashaa Soomaalida ahi, waxaanay ka soo duulleen magaalada Muqdisho, kadib markii ay wasaaradda Ciyaaraha Somaliland ka codsatay guddiga Olympic-ga Soomaaliya in ay u soo diraan garsoorayaal ciyaaraha kala duwan ah oo maamula, isla markana garsoor ahaan dhexdhexaadiya tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland oo la filayo inuu ka dhaco Hargeysa August 1, 2002. Hase yeeshee, imaatinka garsoorayaashani, wuxuu abuuray khilaaf xoog leh, waxaana diidmo kala hortegay xubno badan oo ka mid ah shaqaalaha garsoorka ciyaaraha Somaliland iyo Maamulka kooxahaba, kuwaas oo ku dooday in aanay ka jirin Somaliland baahi dhinaca garsoorka ciyaaraha ahi, sidaa aawadeedna tibaaxay in aan loo baahnayn garsoorayaal meel kale ka yimi.

 

Xubnahaasi waxa kale oo ay si weyn u cambaareeyeen, go’aanka wasaaraddaa ee keenista garsoorayaashaa, kaas oo ay ku tilmaameen mid khaldan. Laakiin Wasiirka ciyaaraha Maxamed Faarax Jaahweyn, ayaa isagu si weyn u difaacay go’aanka ay ku keeneen garsoorayaashaa reer Muqdisho, waxaanu Wasiirku waraysi khaas ah oo arrintaas ku saabsan oo uu Sabtidii siiyay Haatuf ku sheegay in sababta ay u dalbadeen garsoorayaashaasi ay tahay, iyagoo waayay garsoorayaal reer Somaliland ah, sidaa daraadeedna waxay ka fursan wayday ayuu yidhi; “In aanu codsiyo u dirano meelo kale, sida; Itoobiya iyo Xamar.”

 

Guddiga Olympic-ga Soomaaliya oo uu guddoomiye u yahay Faarax Weheliye Caddow oo isla markaana ah Guddoomiye Ku-xigeenka xidhiidhka Kubadda Cagta Afrika (CAF), xubinna ka ah ururka kubadda cagta adduunka (FIFA), waxa ku hoyda kaalmooyin dhaqaale oo loogu tallo-galay horumarinta ciyaaraha dalkii hore laysugu odhan jiray Soomaaliya.

 

Siday sheegeen warar laga soo xigtay illo xog-ogaal ah oo arrintaa u dhuun-dalloollaa, Faarax Weheliye Caddow, waxa uu magaca guddiga Olympic-ga Soomaaliyadii hore ku guddoomay lacago kala duwan oo lagu taageeray Isboortiga, kuwaas oo la sheegay in ay ka mid ahayd, mid uu bixiyay ururka kubadda cagta adduunka ee FIFA, taas oo la sheegay in isku darkeedu gaadhayay ila hal milyan oo doollarka Maraykanka ah, hase yeeshee lama sheegin wax deeqahaa ka soo gaadhay Somaliland. Siday wararkaasi tibaaxeen Faarax Weheliye Caddow, wuxuu xidhiidh la leeyahay hay’adaha Ciyaaraha ee Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo lagu macneeyay in ujeedadiisu tahay sidii uu ugu sii megaan lahaa Jagadaas.

 

Hase ahaatee, Masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, ayaa iyagu had iyo jeer beeniya jiritaanka xidhiidhkas, isla markaana ku cel-celiyay in aanay wax gacan ah ka helin Faarax Weheliye iyo xidhiidhkiisa Olympic-ga oo ay gacantooda ku dhacdo kaalmada Isboorti ee ururada Caalamiga ah ee ciyaaruhu u qoondeeyaan Somaliland iyo Soomaaliyaba, inkastoo ay Madaxda wasaaradu sidaa ku cel-celisay, haddana waxaa dhawr jeer galaa-baxay Muqdisho ilaa Hargeysa, Wufuud isboorti oo ka socotay guddigaas Olympic-ga Soomaaliya, kuwaas oo aan si cad diirka looga qaadin ujeedada socdaaladooda, balse la rumaysan yahay in ay ka duullayeen xidhiidhkaa la sheegay in ay wasaaradda la leeyihiin, sannadkan gudihiisana tiraba dhawr wefti oo Faarax Caddow soo diray, ayaa yimi magaalada Hargeysa.

 

Arrimahaas ka sokow, waxay dhacdada garsoorayaashan Soomaaliyeed ku soo beegantay xilli loo diyaar-garoobayo tartanka guddoomiye-nimada xidhiidhka kubadda cagta Afrika oo la filayo inuu dhawaan dhaco, kaas oo xubnaha ku tartamayaa uu ka mid yahay Faarax Weheliye Caddow.

 

Warar lagu kalsoon yahay oo amuurtaas la xidhiidhaana waxay tibaaxeen in loo malaynayo in ay taasi tahy ta dabada ka riixaysay arrinta, si uu Caddow u muujiyo inuu haysto kalsoonida dhinacyada kal duwan ee ciyaaraha dalkii hore laysugu odhan jiray Soomaaliya. Laakiin Wasiirka Ciyaaraha Somaliland, ayaa isagu ku doodday in aanay ka warhayn arrintaas. Hase yeeshee, Wasiirku isagoo iftiiminaya siday ku yimaadeen garsoorayaashaasi, wuxuu yidhi; “Waxaanu ku nidhi mar haddii aanu helayno wixii qalab ciyaareed ee lixda gobol u baahan yihiin, sida; kubadaha, diraysyada iyo kabaha, diyaar baanu idiin nahay, sidaas ayaanay ku yimaadeen.”

 

Wasiirka Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland, Maxamed Faarax Jaahweyn, waxa kale oo uu sheegay in aanay ciyaaruhu ku lug lahayn siyaasad.

“Waxaan rajaynayaa in aan samaha milix lagu darin oo aan dhadhanka laga qaadin,” ayuu yidhi. Hase yeeshee C/qaasim Salaad Xasan, ayaa isagu sifo kale kaa ka duwan ka bixiyay imaatinka magaalada Hargeysa ee garsoorayaashaas reer Muqdisho.

 

“Markii uu Cigaal dhintay, waxa jiray wefti odayaal ah oo ka tegay Muqdisho oo ka qayb-galay tacsidii, si weyn baa loo soo dhaweeyay, waxa lagu wada-hadlay in aanay Soomaaliya kala maarmin iyo in Koonfur la dejiyo, haddana qolyihii isboortigu wa tageen Hargeysa…. Xidhiidhkasina wuxuu ku dhisan yahay googol-xaadh loogu jiro, sidii loo wada noolaan lahaa, waxaanan rajaynayaa in xukuumad cadaalad ku dhisan oo loo wada dhan yahay loo dhiso Soomaali.”

 

Sidaa wuxuu ku yidhi C/qaasim Waraysi dheer oo uu siiyay shebekad Internet ah oo lagu magacaabo Somalitalk, waxaanu waraysigaa bixiyay dhawaan isaga oo ku sugnaa dalka Koonfur Afrika oo ka mid ahaa, dalalka uu Socdaalka ku tegay, ka hor intaanu ku laabanin Muqdisho Sabtidii toddobaadkan.

 

Madaxweyne Rayaale Oo Saxeexay Dhaqan-Gelinta Xeerka Gobolada Iyo Degmooyinka

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay qallinka ku duugay dhaqan gelinta xeerka gobolada iyo degmooyinka dalka sida uu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Cabdi Idiris Ducaalle.

 

Xeerkaas oo ka kooban 55-qodob, waxa wax ka bedel iyo dood dheer kadib ansixiyay Golaha Wakiiladda Somaliland bishii June. Waxa kale oo dood iyo falaqayn ka dib ansixiyay Golaha guutida oo uu Golaha wakiilladu u gudbiyay.

 

Sida Dastuurku dhigayo xeerarka ay soo saaraan labadda gole ee baarlamaanku waa in ay u dhaqan galaan si rasmi ahna loo faafiyaa marka Madaxweynuhu saxeexo.

Xeerkan uu Madaxweynuhu shalay saxeexay waxa qodobadiisa ka mid ah, shuruudaha lagu magacaabi karo Gobol iyo Degmo, qiimaynta heerka ay kala noqonayaan soohdimaha gobolada iyo xuduudaha degmooyinka.

Qodobka 11aad ee xeerkan ayaa isaguna dhigaya in awoodda is-maamulka gobolladu ay ku ekaanayaan heer gobol, sida uu tilmaamayo qodobka 112aad ee dastuurka JSL, iyada oo qodobka 53aad ee xeerkani uu qeexayo awoodda dawladda dhexe ee gobolada.

 

Xeerkani waxa kale oo lagu ansixiyay hal gobol iyo inka badan 20 degmooyin cusub ah, oo la magacaabay dhawrkii sanadood ee ina dhaafay.

 

Sida war-saxaafadeedku sheegay, xeerkan oo faahfaahsan waxa lagu soo saari doonaa faafinta rasmiga ah, waxaana lagala socon karaa warbaahinta dawladda iyo ta madaxabanaan.

 

Madaxda Iyo Shaqaalaha Waaxda Kastamada Somaliland Oo Isku Shaandhayn Lagu Sameeyay

Hargeysa (Haatuf): Madaxda iyo hawl-wadeenada ka shaqeeya goobaha Kastamka Somaliland, ayaa lagu sameeyay isku-shaandhayn ballaadhan oo loogu kala bedelay barraha kala duwan ee Kastamka, isla markaana Wasiirka Maaliyadda Xuseen Faarax Dooddi, ayaa sheegay in isku-shaandhaytani tahay isbedel caadi ah oo sannadkiiba mar lagu sameeyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

 

Wasiirka Maalliyadda, Xuseen Faarax Dooddi oo isku-shaandhayntaa uga waramay Wargeyska Haatuf, wuxuu sheegay in isku-bedelkani ku kooban yahay Madaxda iyo shaqaalaha Kastamka.

 

“Waxaanu samaynay isbedelkii caadiga ahaa oo marka muddo la joogaba ay daruuri tahay in shaqaalaha la kala bedelo, si aanu qofku meel isaga barriinsan,” ayuu yidhi Wasiirku. Wuxuu intaa ku ladhay oo uu sheegay in aanay jirin cid la eryay, balse laysku bed-bedelay oo keli ah badi Madaxda iyo shaqaalaha barraha Kastamka. Isku-shaandhayntani, waxay saamaysay ilaa 70-qof oo Madaxda iyo sarakiisha Kastamka ah, kuwaas oo mid kastaba laga bedelay goobtii uu hore u joogay, loona bedelay meel kale oo isla Kastamka ah.

 

“Ma hayno taas, waxbana kama jiraan warkaas.” Sidaa waxa yidhi, Wasiirka Maalliyadda Xuseen Faarax oo ka jawabayay su’aal laga weydiiyay liiska isku-shaandhaynta oo warar laysla dhexmarayay ay sheegeen in ay ku jiraan xubno cusub oo qurbaha joogaa, hase yeeshee Wasiirku taas wuxuu ku tilmaamay in ay tahay mid aan jirin. Mar wax laga waydiiyay dhinaca daryeelka shaqaalaha Maalliyadda ee joogga goobaha dakhliga bal in wax laga bedelay iyo in kale, wuxuu sheegay Wasiirka Maalliyaddu, in shaqaalaha dawladdu uu leeyahay darajooyin (Grades) kala duwan oo wax lagu siiyo, sidaa daraadeed ayuu yidhi; “Wax gaar ah oo aanu grade-ahaan u qornay ma jirto.” Hase ahaatee, wuxuu intaa raaciyay in si kale loo dhaqaaleeyo.

 

“Si kale ayaanu u dhaqaalaynaa oo dabcan Wasaarada Maaliyadda shaqaalaheedu wuu ka dhaqaale wanaagsan yahay shaqaalaha kale,” ayuu yidhi, Xuseen Faarax Dooddi.

 

Mar la weydiiyay bal in ay wax ka bedeleen shaqaalihii ku soo barbaaray nidaamkii hore ee Kastamka ee Maamulkii Soomaaliyadii hore, kuwaas oo lagu tilmaamo in ay weli adeegsadaan farsamooyin musuq-maasuq, wuxuu Wasiirka Maalliyaddu sheegay in shaqaalaha la siiyo wacyi-gelin la xidhiidha kasbashada iyo soo dhawaynta ganacsatada iyo dadka Cashuur-bixiyayaasha ahba.

 

“Run ahaantii dadkaa barigii hore shaqayn jiray, waxaanu anagu u haysanaa in ay yihiin dadkii waaya-arraga ahaa ee garanayay shaqada iyo nidaamkaba. Laakiin anagu wacyi-gelin baanu siinaa shaqaalaha,” ayuu yidhi Wasiirku. Mar wax laga weydiiyay dhinaca dekedda iyo in qaybo kale oo isku-shaandhayntan ka mid ahi hadhsan yihiin iyo in kale, wuxuu sheegay in dekeddu tahay Wakaalad madaxbannaan oo hoostagta Madaxtooyadda, hase yeeshee wuu ka gaabsaday inuu iftiimiyo in isku-shaandhayntu intaa ku egtahay iyo in kale.

Dhinaca kalena, tirada shaqaalaha laysku bedbedelay waxay gaadhayaan ilaa 70-qof, waxaana ka mid ah Madaxda goobaha Kastamka ee laysku bed-bedelay oo kala ah:

-          Kastamka Boorama, Axmed Gaaxnuug Cali (Maamulaha Kastamka) iyo Maxamed Aadan Tubeec (Ku-xigeen).

-          Kastamka Aasha-caddo, Ibraahim Nuur Cali (Maamulaha).

-          Kastamka Burco, Yuusuf Cismaan Cabdulle (Maamulaha), Saleebaan Maxamuud Maxamed (Ku-xigeen).

-          Kastamka Abaarso, Axmed Faarax Meecaad (Maamulaha).

-          Kastamka Berbera, Axmed C/laahi Oomaar (Maamulaha Kastamka), Maxamed Cali Cumar (Hallaasi) (Ku-xigeenka 1aad) iyo Ibraahim Cawil X. Nuur (ku-xigeenka 2aad).

-          Kastamka Kala-baydh, Cali Axmed Maxamed (Maamulaha Kastamka), Maxamed Ibraahim Xuseen (Ku-xigeen).

-          Kastamka Saylac, C/laahi Xasan Ibraahim (Maamulaha).

-          Kastamka Hargeysa, Saleebaan Cartan Geeddi (Maamulaha), iyo Xuseen Cali Muuse (Ku-xigeen).

 

Shirweynaha Ururka SAHAN: Arrin Farsamo Iyo Khilaaf Siyaasi Ah, Midkee Dib Loogu Dhigay?

Hargeysa (Haatuf): Urur-siyaasadeedka SAHAN oo ka mid ah ururada siyaasadeed ee Somaliland ka jira ayaa shirweyne shalay uga furmi lahaa magaalada Hargeysa dib ugu riixay Arbacada toddobaadkan ee foodda inagu soo haysa, iyadoo shirweynaha ururka SAHAN markii hore loo qorsheeyey inuu furmo 28-ka bisha Julay 2002, oo ahayd shalay, isla markaana uu socdo ilaa 29-ka isla bisha Julay.

 

Shirweynaha ururka SAHAN waxa lagu qabanayaa Xarunta ururka ee magaalada Hargeysa, waxaana maalintii shalay madasha loo qorsheeyey shirka ka soo xaadiray dad badan oo isuga jira hogaanka iyo siyaasiyiinta ururka iyo ergooyin laga soo casuumay gobolada iyo degmooyinka dalka. Hase yeeshee markii cabaar la fadhiyey, Professor Axmed Az-hari oo ah gudoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirka ayaa ergooyinkii madasha fadhiyey ee sugayey inuu shirku furmo ku war-geliyey inuu dib ugu dhacay ilaa Arbacada, sidaa ay ergooyinku madasha is keenaan maalinta Arbacada.

 

Ajandayaasha loo dejiyey in shirweynaha ururkaa lagaga hadlo waxa ugu waaweyn ansixibta xeer uu ururku yeesho, dejinta mabaadi’ida iyo qaab-dhismeedka ururka, samaynta astaamaha ururka, sida: calanka iyo calaamadda ururka. Sidoo kale waxa ajandayaasha ka mid ah doorashada madaxda ururka, iyadoo ay qaybta “T” ee xeerka uu ururkaasi leeyahay hadda uu dhigayo in waxyaalaha uu shirweynuhu qabanayo ay ka mid yihiin: doorashada golaha dhexe ee ururka, gudoomiyaha iyo laba gudoomiye-xigeen, Xulashada Xubnaha musharaxiinta ah ee ururka uga qayb geli doona tartanka doorashooyinka ee jagooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka.

 

Gudoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirweynaha SAHAN, Professor Axmed Az-hari oo aanu waydiinay sababta ay shirka dib ugu dhigeen, maadaama hore loogu qorsheeyey inuu furmo 28-ka bisha Julay 2002, waxa uu ku tilmaamay arimo farsamo oo weli ka qabyo ah, isaga oo yidhi “ Waxaanu dib ugu dhignay arimo farsamo”.  Hase yeeshee, dhinaca kalena waxa soo if baxay tibaaxo iyodareemo farta ku fiiqaya inuu jiro khilaafaad u dhexeeya siyaasiyiinta ururka SAHAN, taas oo laga dareemayey madasha lafteeda, iyadoo uu jiro tuhun ah inuu khilaafkaasi ka mid yahay sababaha shirka dib loogu riixay, laakiin gudoomiyaha ururka SAHAN, Maxamed Cumar-Jiir oo aanu waydiinay khilaafaad la sheegay inuu ka jiro ururka dhexdiisa, waxa uu ku jawaabay “ Ma jiro wax khilaaf ah oo ururka dhexdiisa ka jiraa”, laakiin waxa uu intaa ku daray “ way iska jiri kartaa in afkaaraha lagu kala duwan yahay, laakiin ma jiro khilaaf weyn oo ururka dhex-yaal”.

 

Hase yeeshee marka taa laga yimaado waxa dhaqdhaqaaqa madasha ka dhex-muuqday dareen farta ku fiiqaya khilaafaad u dhexeeya ragga siyaasiyiinta ah ee ururka SAHAN ka tirsan, gaar ahaan raggii aasaaska ururka qab-qablayaasha waaweyni ka ahaa, waxaana madasha ka maqnaa rag waqtiyadii hore iska daa shirweyne’oo xataa aan ka habsaami jirin maalinta uu ururku shir-jaraa’id leeyahay, isla markaana ka mid ahaa ragga ugu afka dheer ururka marka cid loo jawaabayo ama uu ururku fagaare ka hadlayno, waxaana ragga caynkaas ah ee madashii shalay ka maqnaa ka mid ah: Cali Maxamed Waran-cade, Maxamed Cabdi Skeerse, Cumar Jaamac ( Dhagax-yaley) iyo xubno kale, laakiin lama oga sababta maqnaanshahoodu waxa uu yahay, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay.

 

Hase yeeshee dhinaca kalena waxa madasha ku sugnaa oo aan, iyagu ka maqnayn xubno ka mid ah siyaasiyiinta safka hore ee mucaaradka lagu tiring jirey, kuwaas oo aynu ka xusi karno Maxamed Xaashi Cilmi oo lagu tilmaamo siyaasi mawqif adag iyo Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo isna ka mid ah Xubnaha ugu ba’an mucaaradka safka hore.  Sidoo kale waxa, iyaguna jirey rag aan madasha ka fogayn, laakiin aan haddana u muuqday niman aan madasha ku tirsanayn, kuwaas oo gaaf-wareegayey duleedka kaamboolka dhismaha Xarunta ururka ee lagu kulansanaa, waxaana raggaa ka mid ah, Muuse Biixi Cabdi iyo Ciise Maxamed Xuseen (Curaagte).

 

Inkasta oo uu Gudoomiyaha ururka SAHAN, Professor: Maxamed Cumar-Jiir ku tiraabay inaanu jirin wax khilaaf ah oo ururkiisa ka dhex jiraa, haddana arinta khilaafka wax baa ka jira, laakiin weli lagama wada dheregsana inta uu khilaafku qoto le’ek yahay, iyadoo xubno ka tirsan siyaasiyiinta ururkuna ay ku tiraabeen weedho farta ku fiiqaya inuu khilaaf jiro.

 

Inkasta oo aanay ahayn wax si cad u soo shaac baxay, haddana waxa in muddo la isla dhex-marayey inuu jiro khilaafaad dhinaca aragtida ah oo u dhexeeya siyaasiyiinta firfircoon ee ururka SAHAN, laakiin uu isa soo taray markii uu xiliga shirweynuhu soo dhowaaday, iyadoo ay wararku tibaaxayaan inuu khilaafku yahay mid dhawr weji leh.

 

Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu cad-cad ururka SAHAN ayaa muddo hadda laga joogo ilaa laba bilood iyo dheeraad ku tiraabay inuu iska casilay xubinimadii ururka SAHAN, laakiin tafaasiil dheeraad ah kama bixin sababta uu isu casilay, isla markaana sidaa kuma tegin ee weli waxa uu ka tirsan ururka, iyadoo uu Maxamed Xaashi lagu tirinayo inuu ka mid yahay Xubnaha firfircoon ee ka dhex-muuqda khilaafka, sidoo kale waxa ka mid ah Xubnaha la hadal hayo ee la leeyahay waa ragga sida firfircoon uga dhax-muuqda khilaafka, Dr: Maxamed Cabdi Gaboose, Muuse Biixi Cabdi, Cali Maxamed Waran-cade iyo xubno doora oo kale oo ka mid ah ragga magaca leh ururka SAHAN ama xil ha ka hayeen hogaanka ururka ama yaanay ka hayne.

 

Sida ay wararku tibaaxeen arimaha khilaafka abuuray ee lagu kala aragtida duwan yahay waxa ka mid ah, qiyaadada ururka ee mustaqbalka dhow iyo weliba cidda loo xulanayo inay tartanka doorashada uga qayb gasho ururka, taas oo la tuhunsan yahay inuu jiro loolan u dhexeeya ragga qaarkii. Arinta labaad ee, iyana la sheegay inay siyaasiyiinta SAHAN kula taggan yihiin aragti ahaan waxay tahay , iyadoo ay ragga qaar u ololaynayaan inuu ururka SAHAN la bahoobo ururada kale ee mucaaradka, iyadoo ay wararku tibaaxayaan inay jiraan ururo kale oo, iyaguna u ololaynaya arintaas oo kale, ayna ka mid yihiin: HORMOOD iyo KULMIYE, laakiin siyaasiyiinta ururka SAHAN aanay taa iskaga aragti ahayn, taas oo ay ragga aragtidaa ka soo horjeedaa qabaan inuu ururku iskii u taagnaado.

 

Hase yeeshee marka arimahaa laga yimaado waxa kale oo ay wararka qaarkood tibaaxayaan inay hogaamiyayaasha ururku, gaar ahaan golaha dhexe ee ururka iyo guddigiisa fulintu isku khilaafeen qaban-qaabada shirka, taas oo ay wararka soo if baxay tibaaxeen in waxyaalaha la isku khilaafay ay ka mid yihiin inaanay shirweynaha lagu casuumo xubno haween ah iyo in kale iyo qoddobo kale oo aan si cad u soo shaac bixin, hase yeeshee la sheegay inay xubnihii golaha dhexe ee arintaa u fadhiyey cod u qaadeen ajandayaasha la isku diidan yahay, taas oo sida ay wararku sheegeen in laga aqlabiyad batay raga arimahaa ka soo horjeeday, iyadoo la sheegay in ragga laga aqlabiyad batay aanay ka badnayn ilaa dhawr xubnood oo keliya, halka ay wararku sheegeen inay raga madashaa fadhiyey tiradoodu ahayd labaatan ilaa dhawr iyo labaatan xubnood.

Sida ay wararku sheegeen Muuse Biixi Cabdi oo la sheegay inuu ka mid ahaa dhawrka xubnood ee arimahaa lagaga aqlabiyad roonaaday, isla markaana ka mid ahaa xubnihii shalay gaaf-wareegayey duleedka madasha ayaanu waydiinay inay arintaasi jirto, wuuna qiray,  laakiin waxa aanu waydiinay sababta uu aqlabiyadda u raaci waayey maadaama arintaa iyo hadii ay jiraan arimo kale oo uu diidan yahay uu golaha dhexe cod u qaaday, in sidaa loo dhaqmona uu dhigayo xeerka ururku, waxa uu ku jawaabay “ arintaasi ma aha wax la qaadan karo, golaha dhexe ee SAHAN-na ummad dhan oo muwaadiniin ah xuquuqdooda ma lumin karo”, iyadoo la tuhunsan yahay inuu Muuse Biixi ka mid yahay ragga safka hore ku jira ee uu ololaynaya inuu ururkoodu la midoobo ururada kale, iyadoo ay jiraan raga lagu canaanayo ama lagu eedaynayo inat ururka baabi’inayaa, halka ay raga kalena taa dhigeeda wax ku eedaynayaan inay awoodii ururka ku loolamayan rag damac gaar ah lihi, laakiin si kastaba wax haw jireene arimaha lagu kala aragtida duwan yahay iyo inta uu khilaafku qoto le’eg yahayba waxay kala cadaan doonaan Arbacada soo socota iyo wixii ka dambeeya waqtigaas oo dib loogu riixay furitaanka shirweynaha ururka SAHAN.

 

Olole Lagu Sumaynayo
Ey-Da Oo Ka Socota Berbera

In Ka Badan 70-Ey Ayaa Dhintay Markii Ay Hillib Sumaysan Cunneen

 

Berbera (Haatuf): In ka badan 70 Ey ayaa lagu dilay magaalada Berbera, halkaas oo ay shalay dawladda hoose ka bilowday olole ay magaalada kaga safaynayso boqolaal Ey ah oo aan rabaayada ah.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf, C/raxmaan X. Daahir, Ey-daa waxa lagu laayey meesha la yidhaahdo xabaalaha Saadada oo dhinaca waqooyi kaga taal magaalada, halkaas oo loo dhigay shabaag iyo hilib sumaysan, taas oo Ey-daasi dhinteen, ka dib markii ay cuneen hilibkaa sumaysan, iyadoo qaar ka mid ah Ey-daa oo dhaawac cararay lagu baacsaday baabuur ay leedahay dawladda hoose oo hore loogu sii diyaariyey.

Masuuliyiinta dawladda hoose ee Berbera waxay sheegeen in mashruucani yahay mid lagula dagaalamayo, isla markaana uu socon doono muddo ilaa toban maal-mood ah, waxaana ololahan Ey-da lagula dagaalamayo gacan ka geysanaya dhakhaatiirta xanaanada xoolaha ee magaalada Berbera.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf Ey-da aan cidi rabaysan ee suuq jooga ah aya beryahan dambe aad ugu soo batay magaalada Berbera, waxayna Ey-daa tirada badani dhibaato ku noqdeen billicda iyo nadaafadda magaalada, iyadoo dhinaca kalena ay Ey-daasi halis ku noqdeen nabadgelyada dadka gaar ahaan caruurta oo ay cabsi gelinayaan ama looga baqe qabo inay cunaan-ba.

 

Muqaalkii Cusbitaalka

Guud Ee Hargeysa: 1968-2002

Faallo:Cumar Daahir Cumar.

 

Waxaan ag taagnaa dhowr qof oo uu nin ehelkooda ahi ku soo dhaawacmay afgaranwaa dhexmaray laba qof oo ka dhacay magaalada Hargeysa, goobtu waa Cisbitaalka weyn ee Hargeysa horteeda, barta ay istaagaan tagaasidu, waa bilihii hore ee sanadkan 2002. dadkii uu ninku kaga jiray cisbitaalka wuxuu mid ka mid ahi uu kuwii kale u soo bandhigay erayadan “waxaa la inaga doonayaa (60) lixdan kun oo shillin, waxaa la inaga siinayaa kiishka dhiiga lagu shubo, ma haysaan lacagtii” waxay raggii kalena ugu jawaabeen maya iyo maya, ka dibna ninkii su’aasha bilaabay ayaa u dhaqaaqay dhinaca wadada waxaanu abaaray socod uu u kacay dhinaca faras magaalaha Hargeysa, kuwii kalena way daba dhaqaaqeen qofna qof lamuu hadleyn.

 

Arrintani waxay igu abuurtay xusuus iyo werwer aan kaga fikiray qofka hadda dhaawacan ee u baahan in dhiig lagu shubo oo gargaar deg-deg ah u baahan wuxuu yaallaa Cisbitaalka, laakiin lacag ayaa shuruud  u ah gargaarka deg-deg ah oo ah hawl samo fal bani-aadaminimo dhinaca hawlwadeenada caafimaadka.

 

Waxaa kale oo ay arintani I xusuusisay xaaladii iyo adeegii uu Cisbitaalkaasi lahaa 34 sanadood ka hor sanadkii 1968 oo sida dadkan maanta uu ninka dhaawaca ahi kaga jiray, waxaan booqan jiray inan ugu jirtay xiligaa qalitaan fiixeed laakiin duruuftan maanta muu lahayn. Cisbitaalka Hargeysa inantaa ku jrtay markii la qalay iyo intii ay bogsanaysay waxaa uu Cisbitaakaa Hargeysa oo nadaafadiisu ay aad uga saraysay ka maanta, dhakhaatiir u dhashay dalka iyo kuwo ajenabi ah ayaa heegan u ahaan jiray u adeegga qofka buka ee miciinka soo moodday dhakhaatiirta waxyaabaha dhaqaalaynta dadka buka ee 1968 ay shaqaalaha Cisbitaalka Hargeysa ku caawin jireen bukaanka jiifa ka mid ahaa raashin ka kooban nafaqooyin uu jidhku u baahan yahay oo cunto ahaan loo siin jiray bukaanka.

 

Dhinaca kale isbitaalka Hargeysa 34 sanadood ka hor muu ahayn meel qofkii doonaaba iska dhexmari karo ee wuxuu lahaa xili maalmeed go’an oo la booqdo bukaanka, qof ujeedo la’aan iskaga dhexgalaan muu jiri jirin ogaantay.

 

Xiligan hadda la joogo isbitaalka Hargeysa waxaa saaran miisan tiro dadeed aad uga badan tiradii dadkii adeega uga baahnaa sanadkii 1968kii dagaaladii sokeeye ayaa iyana ku yeelan kara saameeynta nuglaansho ee awoodiisa wax qabad.

 

Isbitaalka Hargeysa adeeg u dhigma kii uu qaban jiray 1968 la soo noqday sanadkii 1981 oo ay hayad Ged german emergency doctors, qalab iyo dhakhaatiir ku caawiyeen oo ay dadka reer Hargeysa iyo bukaan ka yimid degaano kaleba uu siin jiray gargaar iyo gacan qabad nadaafadiisana ay isbitaalka heer wanaagsan gaadhay kadib markii ay dadka reer Hargeysa abaabul galeen waxgarad dhalinyaro ahaa ayaa keenay olole xoojiyay nadaafadii isbitaalka Hargeysa.

 

Cisbitaalka Hargeysa oo la dhisay qiyaas ahaan Nus qarni ka hor oo uu dhisay maamulkii Boqortooyada Ingiriiska ee xukumi jiray Somaliland madaxna ay ka ahayd boqorada Ingiriiska ee Queen Elezebeth2 wali waa goobta ugu ballaadhan ee ah isbitaal guud ee dadweyne oo loo baahan yahay in bukaanka u tagaya in ay ka helaan gargaar caafimaad oo beni aadamanimo in ay kala kulmaan jidh dabacsan howl degdeg ah oo ah waxqabad ku haboon haahidooda caafimaad iyo xiliga ku haboon, adeeg caafimaad oo muhiimadiisu tahay gacan qabad beni-aadminimo oo ka madhan dano ganacsi.

Haddii ay dad badani u arkaan in ay iyagu adeegooda caafimaad iska bixin karaan kharashka looga baahan yahay waxaa jira tiro badan oo aan awoodi karin in uu jeebkooda ku jiro lacag markaa lagaga xidhay adeeg caafimaad oo lagu gargaari lahaa qof dhibaato haysato xiligaa.

 

Isbitaalka guud eeHargeysa oo ay hadda ka muuqato inuu gabay adeegaa caafimaad ee uu qaban jiray 34 sanadood ka hor iyo isbitaalada kale ee magaalooyinka Somaliland ku yaalla waa lagama maarmaan in lagu soo dabaalo adeegga caafimaad ee lafdhabarta uu u yahay caawin samato bixin beni-aadmino oo aan shuruud ganacsi ku lamaanayn.

 

83-Qof Oo Ku Dhintay
Burbur Diyaaradeed Dalka Ukraine

 

Lviv (W. Wararka): Shaaracyada caasimadda dalka Ukraine oo hore uga tirsanaan jirey midowgii Soofiyeeti ee burburay waxa shalay isugu soo baxay boqolaal qof oo doonayey inay wax ka ogoaadaan dadka ku dhintay iyo dadka ku dhaawacmay diyaarad, kuwa dagaalka ah oo burburtay, iyadoo ku guda jirta dhoolatus milateri oo ka socdey dalkaa, waxayna dadka shaaricyada caasimadda Ukraine isugu soo baxay doonayeen inay aqoonsadaan bal cidda kaga jirta 84 qof oo ku dhintay iyo ilaa 116 qof oo ku dhaawacmay diyaaradda halkaa ku burburtay.

 

Diyaaradaa oo nooceedu ahaa Sukholsu,27 waxa lahaa ciidanka circa ee dalka Ukraine.

Madaxweynaha dalka Ukraine Mr. Leonid Kuchma ayaa ku dhawaaqay in Isniinta maanta ay tahay maalin loo baroor-diiqayo dadkii ku geeriyooday shilkaa diyaaradeed oo dhacay Sabtidii doraad, wuxuuna madaxweynaha dalka Ukraine shaqadii ka eryey, isla markaana xidhay taliyihiisii ciidanka circa, waxa kale oo isna is casilay wasiirkiisiii gaashaan-dhigga.

 

Saraakiisha halkaa joogta ayaa laga soo xigtay inay sheegeen inay adag tahay sida loo kala garan karaa meydka dadkii ku dhintay burburka diyaaradaa oo uu jidhkoodu digaandigaha noqday.

 

Madaxa guddiga nabadgelyada iyo difaaaca dalka Ukraine ayaa sheegay in baadhitaan lagu sameeyey sababta keentay burburka diyaaradaa lagu ogaaday inay ahayd taxader xumo ama, iyadoo aan si haboon loo wadin, laakiin ay hadda muhimadda koowaad tahay sidii loo aqoonsan lahaa dadka ku dhintay shilkaa.

Diyaaradda nooceedu yahay Sukhoi27, oo ay ka mid tahay diyaaradda burburtay waxa la sameeyey ama ay soo baxday sannadkii 1985-kii, waxayna dadka arimaha dalka Ukraine u dhuun-daloolaa dheegeen inaanay milateriga dalka Ukraine haysan dhaqaale ay ku dayac-tiraan diyaaradaha ay haystaan.

 

Lyumila oo ah haweenay ku nool magaalada Lviv oo ah magaalada uu shilkaa diyaaradeed ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegtay inay la’dahay ama ay waydey nin qabey gabadheeda, taas oo ay sheegtay inaanay ninkaa dib u arag sidii u tegey dhoolatuskii ka dhacayey saldhigga ciidamada cirka ee la yidhaahdo Skuyliv oo ah saldhigga uu shilka diyaaradeed ka dhacay.  Waxa kale oo ay haweenaydaasi u sheegtay Assoiated Press oo ay tidhi “ Maalmahani waa maalmihii noloshayda ugu xumaa, mana jirto cid war I siinaysaa oo iiga waramaysa sidii wax u dhaceen”.

 

1500 qof ayaa ka qayb galay daawashada dhoolatuska milateri oo uu shilkaa diyaaradeed ka dhacay ee Sabtidii lagu qabtay dalka Ukraine.

 

Wer-Wer Soo Food-Saaray
Xisbiga Jamhuuriga Ee Maraykanka

 

Washington (W. Wararka): Toddobaadkii hore xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka oo ah xisbiga Madaxweyne Bush waxa soo food saaray wer-werkii ugu weynaa ee dhinaca siyaasadda, tan iyo intii uu madaxweyne George W. Bush ku guulaystay tartanka doorshada madaxtinimada dalka Maraykanka, wuxuuna xisbiga Jamhuurigu ka wer-wersan yahay shaki uu ka qabo in lagaga adkaado cod qaadis lagu qiyaasayo taageerada shicibka Maraykanka oo lagu talo jiro in la qaado bisha Diisambar ee foodda inagu soo haysa, taas oo ay xisbigu Jamhuurigu hoos u dhacaa u aanaynayaan inuu ku yimi hoos dhaqaale oo ku yimi suuqyada ganacsiga ee dalka Maraykanka intii uu xukunka hayey madaxweyne Bush, taasina ay taageerada loo hayo xisbiga Jamhuuriga lumin karto.

 

Jugta ugu weyn ee dhaqaaluhu waxay kaga timi dalka Maraykanka khasaarihii soo gaadhay laba shirkadood oo Maraykan ah oo waaweyn oo kala : World Com iyo Enron, madaxweyne Bush-na waxa uu u muuqdaa inaanu jeclaysanayn soo hadal qaadka iyo dib u soo noolaynta labadaa shirkadood, wuxuuna si kaftan ah u yidhi “ 56 sannadood oo aan noolaa labadii toddobaad ee ina tegey ayaan ka wer-weray shuruucdii shirkadahaa”, arintaas oo u muuqata inuu madaxweyne Bush marayo dariiqii Aabihii oo ahaa nin codka lagu qiyaaso taageerada dadka wax fiican ama taageero badan ka haystay shicibka Maraykanka, isla markaana ku guulaystay dagaalo uu dalalka kale la galay, laakiin haddana ku guul daraystay in xili labaad loo doorto jagada madaxweynaha Maraykanka, iyadoo ay sababtuna ahayd dhaqaalaha Maraykanka oo aad hoos ugu dhacay intii uu talada hayey.

 

Dadka ay hayso dhaqaale xumida Maraykanka ka jirtaa waxa kamid ah Dr. James pepper iyo xaaskiisa oo laba sannadood ka hor ahaa qoys maalqabeen ah oo degen Washington, laakiin ku kacay khasaarihii soo gaadhay shirkadaha World Com iyo Enron. Khasaaraha ku dhacay Dr. James oo 62 jir ah waxa uu sababay inuu u guuro guri uu lahaa intii aanu taajirka noqon oo ku yaal gobolka Florida.

 

Askar Maraykan Ah Oo Lagu Laayay Afqaanistaan

Kaabul (W. Wararka): Laba ka mid ah askarta Maraykanka, ayaa dhintay afar kalena way dhaawacmeen kadib markii weerar gaadmo ah loo geystay maalintii shalay mar ay hawl-gal ugu baxeen bariga Afgaanistaan.

 

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Guud ee ciidamada Maraykanka ee jooga Afgaanistaan, waxa uu weerarkani ka dhacay goob 12km u jirta degmada Khost oo ku taala bariga afqaanistaan.

Warku waxa uu intaa ku daray in askarta daawacantay loo qaaday saldhig milateri oo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin meel 50km ka xigta dhinaca bari caasimada Kaabuul, halkaas oo lagu dawaynayo.

Sida warka lagu sheegay ilaa 3-askari ka tirsan ciidamada Afgaanistaan, ayaa iyaguna ku dhintay 7 kalena way ku dhaawacmeen hawlgalkaasi, kuwaas oo la socday ciidamada Maraykanka.

 

Tiro-koob la sameeyay tan iyo markii uu bilaamay weerarka uu Maraykanku ku hayo Afgaanistaan, bishii oktoobar 2001, ilaa 40-askari oo ka tirsan Ciidamada Maraykanka ayaa ku dhintay, ilaa 340 kalena way ku dhaawacmeen, intii uu socday dagaalka Afgaanistaan oo u dhexeeya Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Daalibaan iyo Al-Qaacida oo ilaa hadda socda.

 

Dagaalkan oo ka Dhashay markii weerarada lagu qaaday Maraykanka 11kii sebtember 2001 waxa uu keenay khasaare laxaadle leh oo soo gaadhay labada dhinacba.

 

Nelson Mandela Oo Taageeray Cabashada Nin Shuruud Ku Xidhay Qaadashada Daawada Aids-Ka

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela ayaa sheegay inuu la kulmayo madaxweynaha K. Afrika Thabo Mbeki, si uu ugala hadlo badbaadinta nin Koonfur Afrika u dhashay oo u ololeeya ka hortaga iyo dawo u helista cudurka Aids-ka.

 

Zackie Achmat oo u ololeeya sidii dadka reer Koonfur Afrika ee qaba cudurka Aidsku ay daawo u heli lahaayeen ayaa qaadacay inuu qaato daawada Aids-ka, ilaa inta daawadaa si lacag la’aan ah ay dawlada K. Afrika uga dhigayso cisbitaalada dawlada K. Afrika, oo ah halka ay iska daaweeyaan aqlabiyada dadka ku nool K. Afrika.

 

Madaxweynaha K. Afrika Mr. Mbeki, waxaa dul saaran cadaadis ah in xukuumadiisu ay geyso cusbitaalada dawlada daawada wax ka tarta cudurka Aids-ka ee loo yaqaan (Anti-retroviral drugs).

Mandela oo gacmaha haya Mr. Achmat ayaa yidhi; ninkan u ololeeya ka hortaga Aidska, kaalintiisani waa mid casriya, waxaanay ku salaysan tahay fikradaha aanu labadayaduba taageersanahay.

 

Kulankaa kadib, Mandela oo ay ka muuqato inuu dhaliilayo siyaasadda xukuumadda K. Afrika ee ka hortaga iyo la dagaalanka Aidska, laakiin aanu diyaar u ahayn inuu abaaro ayaa yidhi; “Waxaan la kulmi doonaa madaxweyne Mbeki, si aan ugala hadlo xaalada Mr. Achmat iyo siyaasadda dawladda ee khuseeya arrintan.”

Mr. Achmat oo isaga laf ahaantiisa uu hayo Aidsku, xaaladiisa caafimaadna ay maalinba maalinta ka dambaysa sii xumaanayso ayaa yidhi; “Haddii aan daawada qaadan waayo xaaladdayda caafimaad way ka sii dari doontaa.”

 

Laakiin Mr. Achmat oo heli kara daawada Aidsku, wuxuu qaadacay inuu qaato ilaa ay daawadaasi noqonayso mid ay heli karaan dadka reer K. Afrika ee dan-yarta u badani.

 

Horraantii sannadkan dawlada K. Afrika si ay u qaboojiso xiisada arrintan, waxay sheegtay inay daawada Nevirapine geyn doonto cusbitaalada dadweynaha. Laakiin waxaa arrintaa faa’iideeda yareeyay, iyada oo la sheegay inaanay daawadaasi lahayn daaweyn la isku halayn karo oo cudurkaas ah.

Nevirapine, waxay daaweysaa in aanay hooyada uurka leh ee qabta cudurka Aidsku u gudbin ilmaha ay uurka ku sido.

 

Laakiin raga u ololeeya in ay dawlada K. Afrika talaabo weyn ka qaado hawlaha cudurkaas ee shicibkeeda, waxay ku dhaliilayaan xukuumadu inay weli ka cago-jiidayso wax ka qabashada arrintaa.

 

 

Heshiiska Dawladda Suudaan Iyo Jabhadda

SPLA Oo Muran Ka Dhaliyay Gudaha Dalka Sudan

Khartuum (W. Wararka) – Axsaabta siyaasadda ee dalka Suudaan ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay heshiskii taariikhiga ahaa ee ay kala saxeexdeen maalintii dorraad madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo hoggaamiyaha jabhadda SPLA Jong Grand, markii ay kulan ku yeesheen dalka Yugandha.

Heshiiskan oo dhigaya in mudo lix sannadood ah lagu diyaariyo afti laga qaado dadka reer koonfureedka iyo in mudadaa aan shareecada islaamka lagu xukumin dhinaca koonfurta oo aanay dadka degan badnakoodu islaam ahayn.

 

Xisbiga mucaaradka ah ee Mutamar Al-Shacbi ee uu hoggaamiye u yahay Xasan Al-Turaabi ayaa ku eedeeyay xukuumada Al-Bashiir inay tanaasulaad farabadan u samaysay jabhadda SPLA, marka la eego ku dhaqanka shareecada islaamka.

 

Balse madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa sheegay markii uu ku laabtay Khartuum maalintii shalay in aanay xukuumaddiisu tanaasulaad badan samayn, balse ay jabhadda SPLA la gaadheen heshiis dhexdhexaad ah oo dan u ah Suudaan, waxaanu beeniyay inay mucaaradka dibada ku maqani ay ka soo qaybgelayaan dawladdiisa.

 

Kulanka dhexmaray Al-Bashiir iyo Jong Grand ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid taariikhi ah marka la eego muddadii 20-ka sanadood ahayd ee uu dagaalku ka socday Suudaan. Kulan dhexmara labada hoggaamiye ee Suudaan iyo SPLA waxaa u dambeeyay 1972-kii, oo ay kulmeen Jong Grand iyo Jacfar Al-Numayr oo ahaa madaxweynihii hore ee Suudaan, kaas oo ka dhacay Addis Ababa.

 

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Danta Ummaddu Way Ku

Dayacmaysaa Baylahda Golaha Wakiilada

Max’d X. Cabdillahi (Max’d Indha-cawl), Riyadh Saudi Arabia

 

Tan iyo intii muddo ahaydba waxa dhacda oo iska noqotay shay u caado ah in golaha wakiiladu shirarkooda aan laga waayin ismaan-dhaaf iyo is-fahmi waa ay xataa iskaga horyimaaddaan ka doodista sharciyada/dastoorka iyo xeerarkiisa, taasoo ay sida ay shirarkoodu ku gabagaboobaan ay tahay hiiftan, muran, dagaal gacan iyo afba leh, natiijadeeda oo keenta had iyo jeer dib u dhac halkaasoo ay  ku baylahdo danta ummadda ay xilka u hayaan. Tusaale haddii aynu u soo qaadanno saddex kulan oo ka mid ah fadhiyo goluhu ay ku kulmeen:  dhawaan mar ay ka hadlayeen mudaneyaal ka tirsan gulaha oo la doonayey in shaqada laga fadhiisiyo, waxa dhacday in xildhibaanadu ay isla fahmiwaayeen xeerarka qodobka 50naad iyo sida lagu eryi karo haddii nin baarlamanka ka tirsani 20 tan fadhi oo is xiga uu ka maqnaado golaha.

 

Waa shay aad loola yaabo in manta ay ku murmaan qodobo ka mid ah dastoorka oo ay wakiiladu u yihiin qareenka ugu weyn. Miyaan la odhan Karin weligoodba dib ugu may noqon ama may soo akhriyin

dastoorka.

 

Maalin ka dambaysay, taa oo ahayd ansixintii goddoomiyaha maxkamada sare, mudane Saciid Farah, inkasta oo ugu dambaystii la ansixiyey, haddana waxa jirtay in ay ansixintu ku gola timid si kula ciiris ah markii ay bilaabantay is-dhageysi la’aan uu ninba ka kale ee hadla afka uu kaga boodo, iyo is-qaddarin la’aan aanu mudanena mudane kale ixtiraamin shirgudoonkana ha ahaadee.

Waxaanay ahayd in ansixinta ka hor in mawqifka mudanaha madasha laga caddeeyo maadaama uu xil ka hayey dhawaan Puntland. Ta saddexaad, oo ah tii ugu arggaxa badnayd, kana dambaysay codsigii uu madax-weynuhu u gudbiyey golaha wakiilada si ay ansixiyaan 9 wasiir iyo xigeeno, halkaa waxa ka dhacay arrin aan golaha iyo madashiisa toona looga fadhiyin, taasoo sida ay wargeysadu faafiyeen laysla hororsaday budad iyo bakoorado.

 

Sheekadani waxa ay I xasuusisay, maalin aniga oo ag maraya fooqa Abdi farah Joome ee Hargeysa, ayaa waxa hoostiisa laga rarayey baabuur kuwa xamuulka qaada ah, nimankii shaqaalaha ahaa ayaa is af-dhaafay, waxay dhammaan ku hubaysnaayeen budadka gaagaaban oo noocoodu yahay dhebi-cas

kurtimaale ah, markii uu weerarku bilaamay isla markiiba rag dhowr ah ayaa dhulka laga guray, loolana cararay cusbitaalka guud oo berigaa iska ladnaa.

 

Aqalka wakiiladu waxay u baahan yihiin gaadhi ah kuwa gergaarka degdegga ah ee dhaawaca gura, mar haddii ay bakoorado culculus la dhexyaacayaan shirarka, ilayn waxa ay halis u yihiin in ay iskaga malaqsiiyaane. waqti-lumis weyn bay ku tahay marxaladdan ay kaabbiga ina soo saareen doorashooyinkii xorta ahaa ee aynu sugaynay una oomanayn. xil-dhibaanada tani waxay ku keentay guud ahaan dheg-xumo weyn, waana inay ka waan-toobaan taas oo kale inay mar dambe dhacdo.

 

Haddaba waxa is weydiin leh waa maxay dhibaatada dhextaala xil-dhibaanada baarlamanka ?

Su’aashani iyadoo dadweynaha iyo xubnaha Baarlamaankaba u taala, haddana mid baa runta aad ugu dhaw, waxayna tahay;

1)            mushkiladu waa iyadoo aad moodo in badidooda uu ka dhaxeeyo xafiiltan iyo is-tix-gelin la’aan.

2)            In ay golaha ka maqan tahay is-maqal, iyo is-dhageysi aad u xeeldheer si loo wada maqlo mudanaha hadba hadlaya.

3)            in aanay badida xildhibaanadu aanay korka ka hayn qodobada dastuurka, oo ay ku margadaan sharaxiisa, ayagoo ah hay’addii sharci dejinta ee dalka.

4)            Qaabka fadhiga wakiilada oo ah mid isku dhex-daadsan oo ninba marka uu doono hadlo taasoo aan ka duwanayn makhaayad laga buuqayo.

5)            xubnaha oo aan ka dambayn shirgudoonka si hadalku u noqdo  taxane qurux badan oo ku xidhiidhsan guddoomiyaha shirka.

Dad badan ayaa waxa ay leeyihiin, in yar mooyaane xubnaha baarlamaanku waxa ay yihiin rag aan u qalmin sharafta xilka ay ummadda u hayaan iyo miisaankeeda ee waa niman meesha qolo-nimo uun iskaga soo buuxiyey.

Talo ahaan waxaan leeyahay xildhibaanada, war xilka aad dadka u haysaan waa xil culus, waxa idiin taal qabyo fara badan. Waa inaad daraasad ka baaraan-degid ah ugu noqotaan distoorka, isla-na falanqeeya si aad isu fahantaan meelaha aad ku murmaysaan.

Xasuus:

Il dheer bay dadweynaha iyo golayaasha kale ee Xukuumaduba idinku eegayaan wax-qabadkiina iyo muddada dhaw.

 

 

Barnaamijka Ra’yiga Dadweynaha Ee Idaacadda Iyo Xidhiidhka Telefoonka Ee Dhagaystaha

C/Raxmaan Siciid Muxumed

Faalada uu dhagaystuhu ka bixiyo xubinta dhanbaalka ama maqaalka uu qof u soo diro ee uu kaga qayb qaadanayo barnaamijka ra’yiga dadweynaha ayaa abuuri kara karta barnaamijyada Hargeysa ka ugu xiisaha badan ama dhagaystayaashiisu ugu tirada badan yihiin. Dad fara badan ayay qaar  taageerayaan ra’yiga la soo bandhigay, qaar kalena waxa laga yaabaa inay keenaan ra’yi si uga duwan, laakiin xoogaynaysa ka hore marka dhagaystuhu uu helo fursad uu khadka telefoonka kula xidhiidhi karo wariyaha barnaamijka.

 

Waxa aynu tusaale u soo qaadanaynaa dhanbaalka uu qof ra’yi ku cabiray isagoo ujeedadiisu la xidhiidho inay la tahay in biyo yaraanta ka jirto magaalo madaxdu ay sabab u tahay tirada dadka oo ilaa xad kordhay iyo adeega biyo qaybinta oo loogu tala galay dad aad u yar markii biyaha magaalada la galinayay.

 

Waxa kale oo uu xusey in biyo yaraanta jirta wax lagaga qaban karo inagoo isku kaashanna sidii horumarin loogu samayn lahaa ceelasha biyo soo saaridda iyo shabakadda (networ) biyo qaybinta. Marka wariyuhu uu wada akhriyo maqaalka, wuxuu dhagaystayaasha barnaamijka ra’yiga dadweynaha ka codsanaynaa inay kula soo xidhiidhaan khadka telefoonka si ay u faaleeyaan aragtida qofka dhanbaalka soo diray, isla markaa si ay fikirkooda ku waajihan mawduuca u cabiraan. Sidoo kale, wuxuu wariyaha barnaamijku u sheegayaa dhagaystayaasha telephoonada ay soo garaaci karaan.

 

Marka qo fka mid ah dhagaystayaasha barnaamijka ra’yiga dadweynaha uu soo galo khadka telefoonka, wariyuhu marka hore wuxuu waydiinayaa magaciisa iyo meesha uu joogo, dabadeedna wuxu su’aalayaa waxa u sabab ah biyo yaraanta jirta, sida wax looga qaban karo iyo haddii tirada dadka ee korodhay ay sababta tahay. Dhinaca kale su’aalo la mid ah ayuu wariyuhu waydiinayaa mas’uuliyiinta sare ee wakaaladda biyaha Caasimadda.

Hase yeeshee, doorka uu dhagaystuhu ka qaadanayo barnaamijka ra’yiga dadweynaha waxay ku xidhan tahay dhowr arrimood oo kala ah:

Ø         In wariyuhu su’aalaha uu waydiinayo dhagaystaha ay had iyo jeer ku koobnaadaan, “Maxaa u sabab ah” iyo “Sidee wax looga qaban karaa”

Ø         In wariyuhu uu ku dhiirigaliyo dhagaystuhu inuu khadka telefoonka kula soo xidhiidho si uu ra’yigiisa uga bixiyo mawduuca markaa taagan.

Ø         In wariyuhu marwalba uu dhagaystaha xusuusiyo lambarka telefoonka ay soo garaaci karaan.

Ø         In Barnaamijku uu Idaacadda ka socdo muddo lixdan (60) daqiiqadood ah maalin walba

Waa in barnaamijka ra’yiga dadweynuhu uu noqdaa ka ugu xiisaha badan ee Idaacadda ka baxa maalin kasta duhurnimaddii.

 

Waxaanu doonaynaa inaanu ka hadalo.

1.       Warar todoobaadkan hadal hayntoodu is soo tarayso, oo sheegaya in tartanka ciyaaraha gobolada SL ee la rajaynayo in dhawaan la qabto, guddida garsoora looga keenayo Soomaaliya arrintaas oo aan caqliga gali karin, islamarkaana Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyaradu sida dad u dhuun daloolaa sheegeen uu ogolaaday, taasoo ah shirqool qarsoon oo  Carta u adeegaya Qarankana lagu mijo xaabinayo.

2.       Ninkan xamar ka yimid ee sheeganaya Wasiirka hawlaha guud ee Kooxda Carta oo sida  uu qabo uu intuu Burburintii JSL lala maaganaa kaga qayb galay Carta Xamarna wasiir ka noqday, intuu soo noqday ayuu halkuu is gaabin lahaa nacasnimadiisa ka dhex leeyahay “Dawladd baan u aqoonsahanahay “ isagoo sheegaya Kooxda Carta ee Baadi-doonka ugu jirta maamulkii Afweyne ee ay hadhaagiisa yihiin, kaasoo hamuuntiisii hayso isuna soo urusadeen inay mar labaad gacanta ku dhigaan hambadii ka hadhayna iskaba raaciyaan, wixii dhacay iyo dhaw dhawduna uma dhaadhacsana, kaba sii darane liiskan wargeyska warjire ku arkayay cadadkiisii soo baxay 27-7-2002 waa ninka yidhi “ haddana shaqadaan rabo ka waayo Somaliland xamarba waan ku noqon” taasoo ah “haddii xil la ii dhiibi waayo xamar baan tagayaa oo wax baan idin yeeli”. Waxaanu qabnaa haddii Xukuumaddu talaabo ka qaadi weydo inaanay daacad hogaanka Qaranka u ahayn ee ay waxaa uu ku hadlayo raali ka tahay islamarkaana waxaa wax ka weyn dhiirigelinayso iyadoo Ninkaasi isagoo S/lander  sheeganaya dhowr jeer meel ka dhac ku sameeyay Qaranimadda aan hawlyarida lagu helin ee geeri, naafo, silic iyo burbuba loo soo maray walina diifteedii sii taagan tahay.

1-Xaashi C. C/laahi

2-Maxamed Cabdi Diiriye.

3-Axmed Cabdi Mataan.

4-C/kariin Xasan Cali.

 

 

Somaliland Waxa

Ka Muuqda Horumarka Soo Kobcayaa

Somaliland sannadkii 18-kii May 1991-kii ayey noqotay Jamhuuriyad madax banaan oo ku soo biirtay dalalka ku yaal mandaqadda bariga Afrika, ka dib markii ay madax banaanideeda kala soo noqotay Somaliyadii ay la midowday sannadkii 1960-kii, waqtigaas oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay mustacmarkii Ingiriiska.

Dadka Reer-Somaliland waa dad lagu tilmaami karo qoys keliya, waayo dad leh diin qudha, luuqad keliya, dhaqan iyo caado keliya, isla markaana waa dad min-daraf ilaa daraf iswada inaayo garanaya.

 

Degaanka Somaliland waa dhul leh khayraad dabiici ah, kuwaas oo ay xoolaha nooli kaalinta koowaad yihiin, sidoo kalena waxa jira khayraad kale oo badan oo ku duugan dhulka Somaliland, sida : Batrool iyo macaadiin kala duwan iyo weliba manaafacaad kale oo badan, iyadoo sida la ogyahay uu dhaqaalaha Somaliland inta badan ku xidhan yahay manaafacaadsiga xoolaha nool, laakiin inkasta oo ay dalalka Khaliijka ee uu Sucuudigu kow ka yahay xayiraad ku soo rogeen dhoofkii xoolaha nool, haddana waxa jira meelo kale oo aynu ka helo dakhli, waxaana loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa, loona horumarin lahaa dhaqaalaha dalkeenna.

 

Marka la eego sannadihii u dambeeyey dawladda iyo dadka Reer-Somaliland waxay sameeyeen horumar dhinacyo badan leh, sida Aslaaxinta nabadda, adeegyada bulshada, ganacsiga iyo dhaqaalaha iyo arimaha siyaasadda, iyadoo ay dadka aqoontu leh iyo siyaasiyiintuba ilaa lixdii sannadood ee ugu dambeeyey ay intii karaankood ah ku dedaaleen sidii ay dalkooda ugu soo dabaali lahaayeen nabad-gelyo iyo xasilooni siyaasadeed, taas oo u muuqata inay hadda tahay arin midho-dhal ah, iyadoo ay dadka Reer-Somaliland guud ahaan ku sugan yihiin deganaansho buuxa.

 

Dhinaca horumarka dawladnimo marka la eego waxa uu dalku leeyahay hayado dawliya, sida golayaasha Qaranka, sidoo kale waxa kale oo uu leeyahay ciidamo kala duwan, sida: ciidanka Qaranka, booliska iyo Asluubta. Waxa kale oo uu dalku leeyahay distoor ay dadku u codeeyeen, kuna ogolaadeen 97%.

 

Waxyaalaha dhinaca horumarka Somaliland la xidhiidha ee muuqda waxa ka mid ah kobaca shirkadaha gaarka ah, sida kuwa isgaadhsiinta casriga ah iyo shirkadaha kale ee ganacsiga iyo kuwa wax soo saarkaba.

Dhinaca waxbarashada ayaa, iyana horumar weyn oo la odhan karo hore umaynu gaadhin uu ka muuqdaa, waayo dalka waxa ka furan dugsiyo badan oo kala nooc-nooc ah min fasalka koowaad ee dugsiga hoose ilaa fasalka Afraad ee dugsiga sare ilaa jaamacado, iyadoo ay goobahaa tirada badan ee dhinaca waxbarashada ay wax ka bartaan ama ka barteen arday tiro badani.

 

Waxa kale oo, iyana xusid mudan horumarka iyo quruxda isa soo taraysa ee ka muuqata magaalooyinka waaweyni ee Somaliland, iyadoo aynu tusaale u soo qaadan karno caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taas oo uu muuqaalkeeda iyo bilicdeedu uu muujinayo xaalad horumar ah oo ay gaadhay, sida huteelada waaweyni ee laga dhisay, nalalka baabuurta kala haga iyo waxyaalo kale oo badan.

 

Hadaba horumarka aynu kor ku soo xusnay miyeynaan ku tilmaami karin guul-weyn oo ay Somaliland gaadhay, taas oo u baahan in halkaa laga sii wado dawlad iyo dadweyneba.

Maxamed Axmed Xuseen ( Max’ed case ) iyo Maxamed Cumar Cabdi ( Cirro ), Hargeysa

 

 

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Ibraahim (Saleebaan Guray)

Arsenal Oo Heshiis La Gashay Gilberto Silva

London (AP) – Horyaalka England ee Arsenal ayaa la wareegtay Gilberto Silva oo ka mid ah xiddigihii Brazil ee ku guulaystay koobkii adduunka.

 

25-jirka khadka dhexe wuxuu Gunners ugaga soo wareegay Atletico Mineiro lacg dhan 4.5 milyan oo gini.

Silva wuxuu ciyaarayay daqiiqad kasta oo ka mid ah toddobadii kulan ee Brazil yeelatay intii lagu guda-jiray halgankii koobka adduunka oo ay markii shanaad ku guulaysteen tartankii dhowaan lagu qabtay Korea iyo Japan.

 

Ciyaaryahanka reer Brazil oo ka hadlay heshiiska uu Arsenal ku yimi ayaa farxad weyn ka muujiyay fursadda uu ka helay kooxda haysata horyaalka England, wuxuuna yidhi; “Waan ku faraxsanahay inaan ku biiro Arsenal. Waa horyaalka England, waxayna leedahay xul dhammaystiran oo ka mid ah kuwa dunida ugu sareeya ee kubadda cagta.”

 

“Waan dhawrayay runtii horumarkan aan ku tegay London iyo inaan u ciyaaro kooxaha Yurub ugu wanaagsan,” ayuu ku daray Silva.

Sidoo kale, tabobaraha Arsenal, Arsene Wenger ayaa si la mid ah u muujiyay farxadda uu u hayo heshiiska uu Silva ku imanayo High-bury.

Silva wuxuu ka daba yimi heshiiska difaaca Faransiiska ah Pascal Cygan iyo goolhayaha Uruguay Fabian Carini oo dhammaantood xagaagan kooxda ku soo biiray.

 

Wenger wuxuu ku dhaadanayaa inuu weli ka rag wanaagsan yahay Manchester United oo ay colaad-wadaag yihin, inkasta oo kooxda Old Trafford jebisay rikoodhkii qiimaha ciyaaraha England, markay 30 milyan oo gini kula wareegtay Rio Ferdinand.

“Waan ku faraxsanahay in Gilberto Silva nagu soo biiro. Wuxuu leeyahay awood dabiici ah oo heer caalami ah, waana tii uu soo bandhigay markii la bilaabay koobkii adduunka,” ayuu yidhi Wenger oo ku faanaya ciyaartoyga uu soo iibsaday.

 

Wenger wuxuu ciyaaryahanka ku sifeeyay mid awood dheeraad ah u leh ku loolanka khadka dhexe, wax weyna ku kordhinaya dheeli-tirka iyo adkaynta kooxda.

Tabobaraha Arsenal wuxuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in horyaalka ay difaacan doonaan, isaga oo weliba caddeeyay inay haystaan xul kii hore ka sii fiican.

 

“Sannadkii hore waxaanu haysanay koox wanaagsan, waxaanuse ku kalsoonahay in kan aanu haysanaa ka sii fiican yahay. Waxaan kalsooni ku qabaa inaanu ku guulaysano horyaalka mar labaad,” ayuu ku daray

sannadkii hore waxay Arsenal haysatay ciyaartoy ay ka mid yihiin Lee Dixon iyo Tony Adams oo labduba dhammaystay waqtigoodii. Hase yeeshee, waxay ku qanacsan yihiin inay hadda sidii hore ka sii adag yihiin.

Taariikhda G. Silva oo kooban

Gilberto Silva wuxuu dhashay 07/10/1976. wuxuu u saftaa Atletico Mineiro, wuxuuna u ciyaaray 19 kulan, wuxuu u dhaliyay saddex gool.

Ciyaaryahanka khadka dhexe dedaalkii uu ku soo bandhigay 2001 horyaalkii dalkaa ayaa dumiyay gidaarkii ka xigay ka mid noqoshada xulka Brazil.

Farsamada difaac ee u dheer khadka dhexe ayaa u sahashay inuu noqdo mid mumiimad u leh kooxda, wuxuuna waxtar ku kordhiyay Emarson oo uu markii dambe jagadii kala wareegay, kadib markii ay garab ka jebisay kubbad xoog badan oo Rivaldo ku soo laaday maalin kahor bilowgii koobka adduunka.

Wuxuu dhaliyay gool, labana wuu dedefeeyay kulan saaxiibtinimo oo ay la yeesheen Bolivia bilowgii sannadkan, fursadaasina waxay geed ka go’an ka dhigtay kaalinta uu xulka Brazil ku yeeshay.

 

 

Rivaldo Oo U Wareegay AC Milan

Milan (AP) – Weeraryahanka Rivaldo ayaa doortay kooxda Talyaaniga ah ee AC Milan oo u uheshiis saddex sannadood ah la galay.

 

30-jirka lugta bidix ku ciyaara oo ka mid ahaa halbowlayaashii Brazil u soo xerogeliyay koobkii adduunka wuxuu dalab ka helay Real Madrid iyo Newcastle, balse wuxuu eexaystay mushahaarka AC Milan oo lagu sheegay saddex (3) milyan oo gini xilli-ciyaareed walba.

Rivaldo wuxuu doortay inuu ka hayaamo kooxdiisa markii la soo gaabiyay heshiiskiisii oo Barcelona ku xidhay inuu wax ka dhimo kharashka uu qaato.

 

Ciyaaryahanka degenaanta badani wuxuu sheegay inuu ogsoon yahay maankana uu ku hayo inu wajahayo lamaanihiisa qaranka Brazil ee Ronaldo oo u ciyaara kooxda ay isku magaalada yihiin.

“Waxaan u diyaar ahay inaan rumeeyo fikradda aan kaga hortegayo Ronaldo. Waxay noqonaysaa mid aad u xiso badan waa saaxiibkay, sidii ka muuqatay koobkii adduunka,” ayuu yidhi Rivaldo.

Rivaldo wuxuu qiray arrintu sidii hore inay ka duwan tahay, maadaama ay hadda iska soo horjeedaan, wuxuuna kulankooda ugu horreeya ku tilmaamay mid soo jiidasho badan yeelan doona.

 

“Waxaan filayaa kulanka ugu horreeya ee dhexmaraya Milan iyo Inter inuu noqon doono ka ugu soo jiidasho badnaya horyaalka Talyaaniga,” ayuu ku daray Rivaldo.

Rivaldo wuxuu muujiyay inuu si weyn ugu heelan yahay heshiiska uu kooxda Talyaaniga ah la galay. Waayo buu yidhi, waa koox ii aqoonsan inaan ahay horyaalka adduunka.

Dhinaca kale, tabobaraha AC Milan Carlo Ancelotti ayaa kalsooni ka muujiyay waxtarka Rivaldo u yeelan doono. Ancelotti wuxuu tilmaamay in xiddigii hore ee adduunku u soo celin doono rajadoodii ka guurtay tan iyo horyaalkii sannadkii 1999.

 

“Rivaldo fahamsanaantiisu waxay fududayn kartaa inaanu ku guulaysano Scudetto-ha,” sidaa waxa yidhi Ancelotti oo muujinaya rajada kooxiisa ee soo laabanaysa.

Tabobaruhu wuxuu intaa ku daray inay hadda AC Milan haysato halyeeyo horyaalo ah iyo koox weerar badan leh. Ancelotti wuxuu qiray in qaar ciyaartoygiisa ka mid ahi ay kursiga kaydka fadhiisan doonaan. Balse wuxuu raaciyay inaanu u malaynayn in wax dhibaato ahi kaga iman doonaan.

Ciyaaryahanka reer Brazil oo ka mid ahaa raggii ugu gool-dhalinta badnaa koobka adduunka, wuxuu wadankiisa u saxeexay shan gool.

 

Marka laga hadlayo ciyaartiisa waxa lagu tilmaamaa mid ka mid ah ciyaaryahanada dunida loogu jecel yahay. Wuxuu ka ciyaaraa khadka dhexe iyo weerarka labadaba. Sidoo kale wuxuu ku xeel-dheer yahay kubadaha ganaaxa ah (Penalts) iyo weliba laadadka xorta ah (free kick).

 

Rivaldo waa nin ay lugtiisa bidix ka soo baxaan kubado isrog-roga oo qabashadooda ay dhibaato kala kulmaan goolhayeyaashu. Marar badnaa waxaa dhacda in weerarka kooxdiisu ka faa’iidaystaan fursadaha ka soo danabkaca goolahayeyaasha ka soo horjeeda.