Haatuf, Cadadki 128, August 2, 2002

Qaab-Dhismeedka Dawladda La Doonayo In Lagu Dhiso Shirka Nairobi

Ajandaha Uu Isbahaysiga SRRC La Gole-Tegayo Shirka Dib-U-Heshiisiinta Soomaaliya

 

Hargeysa (Haatuf): Iyadoo la qorsheeyay horraanta bisha September ee sannadkan inuu ku qabsoomo magaalada Nayroobi, shir ku saabsan dib-u-heshiisiinta kooxaha Soomaaliya, ayaa waxa soo gaadhay Wargeyska Haatuf Nuqul qoraal ah oo muujinaya Ajandaha Siyaasadeed ee ay isbahaysiga SRRC la gole taagayaan shirkaas, isla markaana ay ku iftiimiyeen nooca dhismaha dawladeed ee ay doonayaan dalkii hore laysugu odhan jiray Soomaaliya.

Ajandaha Qoraalka ah ee Isbahaysatada SRRC oo lagu magacaabo “Barnaamijka Dib-u-Heshiisiinta Nairobi,” wuxuu ka kooban yahay 5-qodob, waxaanu soo baxay June 13, 2002. Nuqulka waxa marka hore soo diyaariyay Guddi farsamo oo Golaha SRRC u saaray horraantii sannadkan, mar ay ku shireen magaalada Diri-dhaba ee dalka Itoobiya.

Nuxurkiisa oo aanu soo koobnayna wuxuu u dhigan yahay sidan:

Hordhac

“Iyada oo laga ambaqaadayo shirkii Madaxweynayaasha dawladaha ku bahoobay Urur Gobolleedka IGAD ee lagu qabtay Khartuum iyo shirkii Wasiirrada arrimah dibadda ee IGAD oo Nairobi lagu qabtay oo uu ka soo baxay go’aan aha in wax dawlad dhexe ah oo Soomaaliyeed aysan jirin, loona hawl-galayo qabashada shir dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed oo looga soo qayb-galay shuruud la’aan, laguna soo dhisayo dawlad dhexe oo Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. Waxa kale oo la go’aamiyay shirkaas in ay si wada-jir ah u qaban-qaabiyaan, dawladaha IGAD ee aynu kor ku soo xusnay, laguna qabto dalka Kenya.

Sidaa aawadeed, Golaha SRRC wuxuu diyaariyay barnaamij Shan qodob ka kooban oo uu ugu talo-galay inuu noqdo Ajandaha Shirka Dib-u-heshiisiinta Qaranka ee Nayroobi, kuwaas oo kala ah:

1.       Qaabka ka soo qayb-galka iyo hoggaaminta shirka,

2.       Diyaarinta qaabka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed,

3.       Diyaarinta qaab-dhismeedka dawlad dhexe oo loo wada dhan yahay,

4.       Diyaarinta qaabka wax looga qabanayo Soomaaliya ee arrimaha Argagixisada, Mukhaadaraadka iyo Xuquuqda Aadamiga,

5.       Taageerada looga baahan yahay dawladaha iyo ururada Caalamiga ah.

Qodobka 1aad

Qaabka Ka soo qayb-galka iyo hoggaaminta shirka

Sida la wada ogsoon yahay, kadib burburkii dawladdii meleteriga ee ka jirtay Soomaaliya, waxaa dalka ka bilowday dagaalo sokeeye oo socday in ka badan 12 sannadood, iyadoo la isku dayay in la dhiso dawlad Soomaaliyeed, laysuguna yimid 14 shir oo hore oo aanay waxba ka hirgelin, sababaha ugu muhiimsan ee keenay arrimahaasina waxay ahaayeen; iyadoo ka qayb-galayaashii shirarkaasi ay ahaayeen shakhsiyaad iyo ururo aan wakiil ka ahayn ummadda iyo deegaanka ay metalayeen. Haddaba, iyadoo laga duulayo arrimahaas waxaan soo jeedinaynaa in la raaco qaabka, shuruudaha, ka soo qayb-galayaasha hoggaaminta iyo hab-socod shirka dib-u-heshiisiineed ee Kenya lagu qabanayo;

Shuruudaha iyo habka ka soo qayb-galka shirka:

1.       Ka soo qayb-galka shirku waa inuu ahaadaa mid shuruud la’aan ah oo aanu qofna sheegan karin magaca dawlad dhexe,

2.       Marka la xulanayo ka soo qayb-galayaasha shirka, waa in la tixgeliyaa sifooyinka soo socda;

·         Waa inuu Soomaali yahay

·         Waa inuu Wakiil rasmi ah ka yahay dadka iyo deegaanka uu metelo

·         Waa in aan looga shaki qabin inuu xidhiidh la leeyahay ama ka tirsan yahay argagixisada iyo ganacsiga Mukhaadaraadka.

Nooca Ka Qayb-galayaasha Ururada Siyaasadeed

1. Golaha SRRC ururada uu ka kooban yahay, ururada la bahoobay iyo Maamulada jira, sida; Maamul-gobolleedyada Somaliland, Puntland, Maamul-gobolleedka Koonfur-galbeed, Maamulka Shabeellada Dhexe, Maamulka Gobolka Hiirraan iyo Kooxda Carta.

Hoggaaminta iyo Hab-socodka Shirka Kenya

Guddoominta shirku waa in ay ahaataa mid wareeg ah oo ay u siman yihiin hoggaamiyayaasha qaybaha ka soo qayb-galaya shirka.

Goob-joogayaasha Shirka

Goob-joogayaashu waxay noqonayaan dalalka ururka IGAD, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Yurub, Ururka Jaamacadda Carabta, OIC, USA iyo Shakhsiyaad adduunka caan ka ah oo dhexdhexaad ah.

Qoddobka 2aad

Diyaarinta Qaabka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed

Golaha SRRC, wuxuu soo bandhigayaa qodobada hoos ku qoran, si loo gaadho dib-u-heshiisiin iyo nabadgelyo buuxda oo ummadda dhexdeeda ah:

1.       In dib-u-heshiisiin buuxda la hirgeliyo dalka, lagana qayb-geliyo qaybaha bulshada

2.       Waa in la soo af-jaraa dagaalada sokeeye ee dalka ka jira, lagana heshiiyo goobaha la kala haysto

3.       Waa in Kooxda Carta kala baxdaa Maleeshiyooyinkeeda, goobaha ay xoogga ku qabsatay, sida; Shabeelaha Hoose, Jubbooyinka, Gobolka Gedo, Caasimadda Muqdisho iyo meelo kale.

4.       Waa inuu jiraa ku-talo-gal ciidamo nabad-ilaalineed, haddii ay xaaladdu ka fursan weydo.

Qodobka 3aad

Mabaadi’dda Guud iyo Qaab-dhismeedka Dawladda

Iyadoo waayo-aragnimo inoogu fillan tahay dhibaatooyinkii la soo maray 12-kii sanno, waxa lagama maarmaan ah in la dhiso dawlad qaran oo dib-u-heshiisiin leh, xaqiiqda waddanka gudihiisa ka jirtana waafaqsan. Sidaa daraadeed, Golaha SRRC isagoo tixraacaya Jaartarka ka soo baxay shirkii Awaasa ee Itoobiya 20/3/2001, waxa uu soo jeedinayaa; in la dhiso dawlad Qaran oo fedraali ah oo loo dhan yahay, kuna salaysan qaabka “Hoos ka soo dhis, korna u dhis.”

Dhismaha dawladda Federaaliga waxa sahlaya, Maamul-goboleedyada dalka gudihiisa hore uga dhismay, sida Puntland iyo Somaliland, iyo Maamul-gobolleedka Koonfur-galbeed ee Baydhabo lagaga dhawaaqay. Isla markaana uu ka socdo, diyaar-garow iyo abaabul dhisme dawlad-gobolleed Shabeellada Dhexe iyo Hiirraan. Dawladda Federaaliga ahi waxay ka abuurmaysaa Axdi iyo Heshiis ay wada-galaan dawlad-gobolleedyadaasi, iyaga ayayna xukunka la wadaagaysaa.

Mabaadi’dda Guud iyo Qaab-dhismeedka Dawladda Dhexe ee Federaaliga ah, waxaa ka mid ah;

1.       Dawladda Federaaliga ahi waxay ka koobnaanaysaa dawlad-gobolleedyo ka dhismaya gobolada dalka oo mid waliba ka kooban yahay tiro gobollo ah oo isu dhisaya si madaxbannaan.

2.       Dalka Soomaaliyeed waa mid, lamana kala qaybin karo, qayb ka mid ahina ma sheegan karto, kumana shaqayn karto, Madaxbannaani u gooniya….

Qodobka 4aad

Diyaarinta Qaabka Wax looga qabanayo Arrimaha Argagixisada, Mukhaadaraadka iyo Xuquuqda Aadamiga

Arrinta dawlad la’aantu, waa mid sahlaysa argagixisada Caalamiga ah iyo ururada Asal-raaca ahi in ay Soomaaliya ka furtaan rugo ay kaga duullaan Caalamka Guud ahaan, gaar ahaan dawladaha deriska nala ah, si joogto ahna, wer-wer iyo kharbudaad ugu haya dalka gudihiisa. Dhinaca kale, ku tumashada xuquuqda Aadamaha, ayaa si xad-dhaaf ah adduunkoo dhan ururada xuquuqul-insaanku ugu shaaciyeen meel kastaba dhibaatooyinka ku tumashada xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ka jirta.

Haddaba, si wax looga qabto dhibaatooyinkaa waaweyn ee la xidhiidha argagixisada iyo xuquuqda aadamaha, wuxuu Golaha SRRC soo bandhigayaa qodobadan;

1.       In la dhiso dawlad-qaran oo nadiif ka ah shakhsiyaad ama ururo lagu tuhmi karo in ay xidhiidh la leeyihiin argagixisada, isla markaana xilkeeda u gudan karta si hufan.

2.       In la xoojiyo xidhiidhka dawladaha Caalamka, gaar ahaan kuwa aanu deriska nahay, si la iskaga kaashado hawl-gallada wax lagaga qabanayo argagixisada.

3.       Waa in marka hore la dhisaa dawlad Soomaaliyeed oo lagula xisaabtamo xilka dhawrista xuquuqda dadka.

4.       Waa in Baadhitaan guud oo ku saabsan tacadigii iyo gumaadkii dhacay dalka Soomaaliya muddadii dawladdii jirtay iyo muddadii dawlad-la’aantaba la sameeyaa.

5.       Waa in Maxkamad heer Caalami ah la saaro, cidii ay ku caddaato in ay geysatay Tacadi iyo ku xad-gudub xuquuqda aadamaha ah.”

Barnaamijkan Golaha SRRC ee shirka dib-u-heshiisiinta Kenya, waxa saxeexay qaybaha Isbahaysatadaasi ka kooban tahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Maamulka C/laahi Yuusuf  (Puntland), ururka SPM, Maamulka Shabeellada Dhexe, Ururka RRA, USC/SSA, USC/PM/DD, ururka SNF, SSNM/PIRREM iyo urur lagu magacaabo SANU.

Aayaha Urur-Siyaasadeedka SAHAN,

Laba Xaalo Iyamuu Ku Dambayn Doonnaa?

 

Hargeysa (Haatuf): Shirweyne loo ballamay inuu furmo Arbacadii doraad oo uu yeellan lahaa urur-siyaasadeedka SAHAN ayaa mar kale lagu kala dareeray, ka dib markii ay si ba’an isu khilaafeen hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta ururkaasi, waxayna taasi ahayd maallintii labaad ee la isku mari-waayo inuu shirkaasi furmo, iyadoo markii u horaysay shirkaa loo qorsheeyey inuu furmo 27-kii Julay 2002, laakiin ay taasi suurtagal noqon waydey, ka dib markii si xoog leh la isugu maan-dhaafay hindisayaasha qaban-qaabada shirka iyo guud ahaan mabaadi’da jiritaanka ururkaa, sidaa darteed markii uu shirkaasi furmi waayey Sabtidii 27-kii Julay waxa dib loogu riixay Arbacadii 31-kii Julay, laakiin xaaladdu cirka ayey isku sii shareertay, waxayna gaadhay marxalad gacan ka hadal ku dhowaatay.

Guud ahaan laba kooxood waaweyn ayey isu qabteen hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta ururka SAHAN, isla markaana khilaafka meesha ka huray waa mid wejiyo dhawr ah leh, waxayna labada dhinac isu soo jeediyeen eedaymo isku lid ah, taas oo ay qolo-waliba qolada kale dusha ka saartay sababta khilaafka iyo burburinta shirkaba laakiin Arbacadii oo ay xaraaraddu halka ugu saraysa gaadhay waxa uu furitaanka shirkii loo ballansanaa dirgan waayey, ka dib markii ay kooxdii ka soo horjeeday inuu shirku furmo oo aad isu soo abaabushay ay baabuur ku goysay barxaddii loo qondeeyey madash shirka, ka dibna markii ay xaaladdu qir iyo qir isa soo taagtay ayaa sidaa lagu kala dareeray, taasina waxay shirkii loo ballansanaa ka dhigtay hal-bacaad lagu lisay, isla markaana waxay arintu u muuqataa inuu jiritaanka ururka SAHAN, sidaa ku saqiiray.

Kooxda Arbacadii dhowayd furitaanka shirka sida weyn uga soo horjeesatay waxa si weyn uga dhex-muuqday xubno ay ka mid yihiin: Abiib Diiriye (Abiib-timacad), Ismaaciil Aadan, Maxamed Cabdi Iskeerse, Muuse Biixi iyo xubno kale, waxayna kooxdani ku dacwiday inay mabaadi’dii iyo dimoqraadiyadii ururka majare habaabiyeen niman xukun doon ahi, sidoo kalena waxay dhinaca kale kooxdaa ku eedeyeen inay burburinayaan ururka, iyadoo ay kooxdan ragga ka dhex-muuqda ka mid yihiin, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi, waxayna labada dhinac isdhaafadeen dodo kul-kulul oo ay si ba’an isugu weerareen.

Marka laga yimaado doodda ah waxa la isku maan-dhaafay qaabka loo soo agaasimay qaban-qaabada shirka iyo hindisayaasha la xdhiidha, waxa la rumaysan yahay inuu khilaafku intaa ka qoto dheet yahay, isla markaana uu ahaa wax muddo soo jiitamayey, laakiin uu shirku noqday gaas lagu ololiyey dab awelba hulaaqmayey.

Sida ay tibaaxayaan wararka la xidhiidha khilaafka cirka u baxay ee siyaasiyiinta ururka SAHAN kala kaxeeyey waxa arimaha la isku maan-dhaafay ka mid ah qiyaadadda ururka, taas oo ay ragga qaarkood u findhicilanayeen inay mustaqbalka majaraha u qabtaan hogaaminta ururka, ka dibna ay kaga qayb galaan loolanka siyaasadda iyo tartanka doorashooyinka ee mustaqbalka la naawilayo, laakiin taa lafteedu waxay ahayd faladh ka mid ah dacarta khilaafka kicisay, waayo ugu yaraan dhawr nin ayaa mid waliba goonidiisa u quud-daraynayey inuu noqdo hogaamiyaha ururka iyo weliba ninka u caleemo saaran tartanka kursiga ugu sareeya dalka ee Madaxweynaha.

Hase yeeshee dhinaca kalena waxa jirey khilaaf mabdi’iya, taas oo ay si weyn la isugu qar-dhaafsanaa sida mustaqbalka loogu wan-qalayo aayaha ururka, taas oo ay ragga qaar mabdi’iyan aaminsanaayeen, isla markaana ay si ficliyan ah ugu ololaynayeen in ururku la midoobo ururo kale oo siyaasadeed, laakiin dhinaca kalena ragga kooxdaa dhigooda ah ayaa taa si weyn ugu soo horjeeday, sidaa darteed aaminsanaa inuu ururku sidiisa u jiro, kana mid noqdo ururada ku loolamaya siyaasadda. Waxa, iyaduna intaa dheerayd loollan xoog leh oo ku saabsan cidda yeedhinaysad-ba sida loo suntayo aayaha ururka sidii la doonaba haloogu taliyee, taas oo ay doobta luleen dhawr baarqab oo uu mid-ba midka kale ka cawaandisan yahay.

Cidkastaaba ha gar yeelatee, waxay arintu isa soo taagtay in la isku qancin kari waayo aragtiyaha iyo ah-daafta damacu ku laaqan yahay miiska dushiisa daadsan, taasina waxay keentay inay rag si gaar ah isugu muuqdaan, iyadoo ay arintoodu tahay laba biyo-hoostooda iska haraatiyey iyagaa is og, waxaana markaa bilaabmay loollan iyo xafiil-tan suxulka hoosta la isaga dhiibay, laakiin sheekadu way sii hulaaqmaysay ilaa ay arintu soo gaadhay in hadh-cad meel fagaare ah tabco-dhexaad la isu kala geliyo oo ay carta iyo wirtu isu yeedho.

Dad badan oo dusha ka daawanaya xaaladda murugsan ee ururka SAHAN iyo xataa qaar ka tirsan ururka SAHAN laftiisa ayaa qiimayntoodu tahay inaanu ururka SAHAN ka soo kacayn din-garaarada ku dhacday, laakiin marka taa laga yimaado waxay doodda taa daba taal tahay, tolow halkee buu ku dambayn doonaa khilaafka iyo tafaraaruqa oodda jabsaday uu hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta ururka SAHAN.

Marka la eego Xubnaha ururka SAHAN dhexdooda waxay ragga qaar qabaan in sidaa lagu kala nabadgalo ururkuna uu sidaa ku saqiiro, iyadoo la rumaysan yahay inay raga qaar hadaba quus taagan yihiin, laakiin dhinaca kalena waxa la aaminsan yahay inaanay ragga SAHAN sidaa wada qabin ee ay rag weli quud-daraynayaan inat u hadhaan dhaxalka ururka.

Hase yeeshee marka la isku xooriyo sheekooyinka oo dhan waxa uu ifafaalaha siyaasadeed ee xaaladda ururka SAHAN u muuqdaa inuu ku dambayn doono laba xaalo mid uun: ta hore in sidaa lagu kala hadhi-waayo oo uu halganka xadhig-jiidadku sii socdo, ka dibna ay suurtagal noqoto inay qolo ku adkaato gacan ku haynta ururka, qolada laga itaal-roonaada ay meesha ay doonaan qabtaan iyo ta labaad oo ah inay sidaa ku kala dhaqaaqaan oo mar hadii lagu heshiin-waayey in meel la isla ogol yahay la isugu duwo aayihii ururka ay kooxiba meel afka saarto, iyadoo laga yaabo inay iniba mid ka mid ah ku biirto ururada kale.

“ Ururka KULMIYE Wuxuu U Taagan Yahay Somaliland, Uma Taagna Soomaaliya, Aniguna Haddii Aan Xamar Tegayo Mar Horraan Tegi Lahaa”

Guddoomiyaha KULMIYE Axmed-Siilaanyo Oo Shalay Fagaaraha Kheyriyadda Kala Hadlay Dadka Reer Hargeysa

 

Hargeysa (Haatuf): Hogaamiyayaasha urur-siyaasadeedka KULMIYE ayaa shalay markii u horaysay fagaaraha khayriyadda Hargeysa kala hadlay dadka reer-Hargeysa, waxaana halkaa khud-bado ay kaga waramayaan barnaamijka iyo ujeedooyinkooda siyaasadeed ka jeediyey xubno ka mid ah madaxda iyo siyaasiyiinta ururkaa oo uu ka mid yahay gudoomiyahooda Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyadoo ay garoonka khayriyadda isugu soo baxeen dad boqolaal qof oo ka tirsan dadweynaha reer-Hargeysa.

Faysal Xaaji Jaamac oo ah qareen (Lawyer) ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, isla markaana ka mid ah hogaamiyayaasha ururka KULMIYE ayaa ugu horayn hadalka qaatay, wuxuuna si gaar ah uga hadlay dhinaca arimaha garsoorka, isaga oo sheegay inuu ururkoodu taageersan yahay talaabooyinkii turxaan-saarka ahaa ee ay dhowaan dawladdu ka qaaday garsoorka.

“Cidda kursiga garsoorka ku fadhidaa waa inay aqoon u leedahay sharciga ay maamulayso” ayuu yidhi, Qareen Faysal, isaga oo ku faanay inuu ururkoodu kor u qaadi doono aqoonta sharci ee hawl-wadeenada garsoorka hadii ay ku guulaystaan tartanka madaxtinimada dalka, “Si ay u fahmaan waxa ay maamulayaan waxa uu yahay” ayuu yidhi, Faysal, wuxuuna intaa ku daray “Waxaan shaki ku jirin inuu kadinka ka baxay dhaqankii ceebta ahaa ee laaluushka la dhaafsanayey cadaaladda, laakiin waxa weli dhiman aqoontii sharciga, ninka qareenka ahina waa inaanu noqon mukhalas, ururka kulmiyena hadii uu talada qabto talaabooyinkaa wuu qaadayaa, hadii kale mugdigaa aan tilmaamay ayaan filayaa inaynu ku jiri doono, ee dadweynow doorta cidda wax idiin qaban karta”.

Xoghayaha Guud ee ururka JULMIYE, Daa’uud Maxamed Geelle, ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana weedhihiisa ka mid ahaa “ Waxa muhim ah inay dadweynuhu gartaan macnaha xisbigu waxa uu yahay, hadiise ay u qaataan in nin uun la dooranayo, taasi wax faa’iido ah ma laha”.

Gudoomiyaha ururka KULMIYE, Axmed-Siilaanyo ayaa ugu dambayn cod-baahiyaha lagu soo dhoweeyey, wuxuuna halkaa ka jeediyey khud-bad uu kaga hadlay arimo dhawr ah oo dhinaca siyaasadda ah, isaga oo dhinaca kalena tilmaamo ka bixiyey barnaamij siyaasadeedka uu ururkiisu kaga qayb gelayo tartanka madaxtimada, wuxuuna ugu horayn Madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin uga mahad-naqay waxyaalihii ay qabteen mudadii yarayd ee ay xilka hayeen.

“Marka la maqlo urur mucaarad ah ama xisbi siyaasadeed ma aha in loo qaato inuu yahay wax dalka dhibaya oo qaranimada, dawladnimada iyo wadajirka ka soo horjeeda” ayuu yidhi, gudoomiyaha KULMIYE, wuxuuna sharax ka bixiyey mac-naha xisbiga, isaga oo yidhi “Mac-naha xisbigu waxa weeye inay dadku yeeshaan dawladda ee ma aha inay dawladdu dadka yeelato, waana inay dadweynuhu noqdaan, kuwa laga hibaysanayo ee loo shaqaynayo, macnaha axsaabta iyo doorashooyinku sidaa weeye”, haddana waxa kale oo uu yidhi “ Waxaad moodaa inay dadka badidoodu macnaha doorashada u qaateen keliya inay tahay Madaxweyne la dooranayo, laakiin taa waxa ka muhimsan oo loo baahan yahay in inay ummaddu isha ku hayso doorashada dawladaha hoose oo ah golayaashii iyo maayaradii magaalooyinka maamuli lahaa, iyadoo ay guddiga doorashooyinku sheegeen inay doorashada dawladaha hoose dhacayso bisha Oktoobar 2002, laakiin waxay tilmaameen inay jiraan hawlo badan oo u baahan in inta doorashada ka horaysa la qabto, hawlahaa qaarkood dawladda ayaa looga baahan yahay inay qabato, sida: sugidda nabadgelyada iyo in maamulka gobolada oo dhan la gaadhsiiyo, hawlaha qaarna xisbiyada tartamaya ayaa looga baahan yahay inay qabtaan, sida wacyi-gelinta dadka oo kale”.

Gudoomiyaha KULMIYE, waxa kale oo uu ka hadlay mabaadi’dida ururkiisa iyo warar been ah oo uu sheegay in laga faafiyey, wuxuuna yidhi “ ururkayagu waxa uu ka mid yahay ururada badan siyaasadda u soo ban-baxay, axsaabta kalena waxa naga dhexeeya kaftan, waxa naga dhexeeya tartan, waxa naga dhexeeya wax wada-qabsi, tartankuna ceeb ma aha, qof walibana xisbiga uu doono ayuu geli karaa, laakiin yeynaan u qaadan in bahalaha (xisbiyada) la isku dilayo ama lagu coloobayo”, laakiin, isaga oo jawaab ka bixinayaa wararka been-abuurka ah ee laga faafiyey waxa uu Axmed-Siilaanyo yidhi “Waa iska caadi in mararka qaarkood dadka madaxda ah been laga abuuro oo la yidhaahdo kaasi Xamar buu nagu wadaa iyo kaasi waa sidaa, laakiin anigu (Axmed) iskuma ogayn inaan ahay qof gabada ee mabaadi’daydu way cadahay, ururka KULMIYE-na waxa uu u taagan yahay oo uu u halgamayaa Somaliland, Somaliland-na waa tii aanu u soo halganay, waa tii aanu u soo dagaalanay ee aanu si walba ugu soo shaqaynay, aniguna (Axmed) hadii aan Xamar tegayo mar hore ayaan tegi lahaa, waana la kala yaqaan dadka, qof walibana taariikh ayuu leeyahay, markaa waxaan leeyahay dadka waxaa u duur-xulayow ka jooga waad qaldan tihiine, ururka KULMIYE-na waxa uu u taagan yahay ururka midnimada iyo horumarinta Somaliland, macnihiisuna ma aha, umana taagan ururka midnimada iyo horumarinta Soomaaliya, waana wax macnihiisu cad yahay ee maxaa laga odhan karaa, mana aha xisbiyada aan magacyadooda la karayn ee lagu merganayo”.

“Inkasta oo ay jiraan wax badan oo aynu qabsanay, haddana waxa dhiman waynu wada ognahay, waxaana loo baahan yahay inaynu ka shaqayno horumarkeena” ayuu haddana yidhi, Axmed-Siilaanyo, isaga oo tusaale u soo qaatay burburka ka muuqda wadooyinka magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay caasimaddu kow ka tahay. “Hadii aynu dadweyne iyo dawlad-ba iskaashano waynu hagaajin kari lahayn wadooyinka magaalooyinkeenna waaweyni ee burbursan” ayuu yidhi.

Gudoomiyaha KULMIYE, Axmed-Siilaanyo waxa uu ugu dambayn ku xoog-xoogsaday in hadii uu ururkiisu uu ku guulaysto tartanka madaxtimada dalka ay arimo badan oo dhinacyada adeegyada iyo horumarinta ah wax ka qaban doonaan, isaga oo sheegay inay ka shaqayn doonaan horumarinta khayraadka dalka oo uu daryeelka iyo horumarinta xooluhu kow ka yahay iyo sidoo kale horumarinta wax soo saarka beeraha iyo wixii la mid ah, isla markaana ay ka shaqayn doonaan horumarinta iyo wax soo saarka qaniimadda dhulka hoostiisa ku duugan.

Gudoomiyaha KULMIYE, waxa kale oo uu laabta u garaacay inuu hadii uu talada qabto uu ururkiisu wax ka qaban doono shaqo la’aanta badan ee dalka ka jirta, uuna abuuri doono ilo shaqo oo badan iyo sidoo kale inay wax u qaban doonaan dadka danyarta ah iyo dadka jilicsan.

“Ictiraafka Somaliland oo aan u arko inaynu maanta qarka u saaran nahay waa hawl loo baahan yahay inaynu wada-jir uga shaqayno” ayuu gudoomiyaha KULMIYE hadalkiisa ku soo xidhay, isaga oo tilmaamay inuu ururkiisu ka shaqayn doono sidii ay Somaliland aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka.

Mashruuc Horumarinta Ganacsiga

Somaliland Ah Oo Ay Iska Kaashanayaan PI Iyo EU

Isticmaalka Iyo Horumarinta Dacarta, Xabbaasuudda, Mawada, Yicibta Iyo Malabka Shinida

 

Mashruuc ay wado hay’adda (IP) Progressive Intervention oo ka tirsan dalka Ireland oo ah hayad horumarin ganacsi ayaa S/land ka wada mashruuc lagu barto dhaqashada shinida iyo sida looga faa’iideysto malabkeeda. Hayadda PI waxay ku soo bandhigtay carwo ganacsi oo hadda ka socota magaaladan Hargeysa waxsoo-saar ka kooban malabkii shinida oo lagu shubay quraarado si loo dhigo goobaha ganacsiga, kiriimada la mariyo jidhka oo iyagana laga sameeyay malabka, shamaca la shito oo laga sameeyay malabka iyo qoraalo lagu dhiiri galinayo sidii shinida iyo malabkeeda looga faa’iidaysan lahaa cunis nafaqo raashin ahaan iyo faa’iido ganacsi. Hayadan horumarinta ganacsi ee Ireland waxaa kale oo ay soo bandhigtay qoraalo ka hadlaya geedaha sida: Yucubta, Mowada, Xabaasuuda, iyo qaababka looga faa’iidaysto.

Qoraalada dhiirigalinta ganacsiga iyo waxsoo saarka ee ay (PI) ku soo bandhigtay carwada ganacsiga ee hadda ka socota Hargeysa gaar ahaan xarunta Guriga shaqaalaha ee S/land waxaa kale oo ka mida Qoraal ka hadlaya kheyraadka dabiiciga ah oo u qornaa sidan Waa maxay kheyraadka Dabiiciga ah? Kheyraadka dabiiciga ahi waa dhirta, Geedaha, iyo macdanaha inagu wareegsan, qaar badan oo ka mid ah waa lala soo bixi karaa la isticmaali karaa, lana iibin karaa, habeyn karaa kuwaasna waxaa ka mid ah dawooyin dhireed la isku qurxiyo iyo xabagta dalkeena kala soo bixi karnaa kheyraadka dabiiciga ah.

Fursada in la helo kheyraadka dabiici ah waa mid laga heli karo dhammaan Gobolada S/land oo dhan. Sida la ogyahay in yar ayuunbaa laga isticmaalaa kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira ama ka baxa dhulkeena, laakiin haddii loo howl galo kheyraad dabiici ah oo tiro badan ayaa laga heli karaa dhulkeena, lala soo bixi karaa, suuqyadda dalka Gudihiisa iyo debadiisana loo iibgeyn karaa.

Maxay dadku u gurtaan kheyraadka dabiiciga ah (Dhirt)? Cilmigu (Sayniska) wuxuu inoo daahfuray nafaqooyinka ku jira dhirta marka cunto ahaan loo isticmaalo, dawadda laga helo dhirta marka dawo ahaan loo isticmaalo iyo waxyaalada la isku  Qurxiyo oo iyagana dhirta laga sameeyo kuwaasoo ka waxyeelo yar waxyaalaha la isku qurxiyo ee laga sameeyo curiyayaal macmal ah (Articial).

Dadka reer miyiga ah oo la baro sida loo habeeyo si loo isticmaalo waxyaabaha faa’iidooyinka leh ee dhirta dabiiciga ah iyo weliba sida loo habeeyo ee loogu shubo weel lagu iibgeeyo sida: kartoon, caagado, ama quraarado, waxay arimahi ku jiraan qorshaha horumarinta ganacsiga ee hayadda PI, waxaa kaloo ka mid ah barnaamijka hayada IP sidii dadkaa la tababary ee reer miyiga ahi ay u suuq geyn lahaayeen waxsoo saarkooda. Ujeedada mashruucan ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hayadda (IP), waxa weeyi shaqo abuuris dakhliyeed oo lagu caawinayo dadka reer miyiga ah, iyaga oo shaqo iyo dakhli ka heli doona shaqada ururinta, habaynta, dhoofinta iyadoo uu jiri doono tababar la siin doono shaqaalaha iyo Ganacsatada ka howlgalaya mashruucan oo taasna ay diyaarineyso hayaddan PI ee Ireland.

Noocyada dhirta ee kheyraadka Dabiiciga ah ee Dhulkeena

Dhirta dabiiciga uga baxda gobolada dalkeena ee laga faa’iidaysan karo waxaa ka mid ah geedka xinaha oo ka baxa dooxyada Xubno-weyne, Jaleelo, iyo meelo kale, gobka, Cusburka, Yucubta (yicib), geedka gobka caleentiisa waxa laga sameyn karaa (shampoo) loo isticmaalo nadaafada timaha iyo wixii la mid ah.

Yicibta waa cunto diyaarsan oo leh sonkor iyo starch, midhaha yicibta waxaa laga miiri karaa saliid loo isticmaalo farsameynta sabuunta iyo midabeynta dharka.

Ka Faa’iidaysiga Shinnida iyo malabkeed

Dhaqista shinidu waa howl sideeda u taageereysa daryeelka deegaanka waayo shinidu waxay caawisaa tartanka dhirta kuwa dabiiciga ah iyo kuwa la beerto sida Babayga, Muuska, Liin dhanaanta, iyo Canbe lafka (Mango).

Xanaaneynta iyo malabka ay soo saarto waxay keeni kartaa dakhli kordhin danyarta xoolo dhaqatada iyo beerelayda beer roobka ah ee uu dakhligoodu hooseeyo meelo badan oo ka tirsan gobolada dalka. Waxsoo saarka shinida oo ah malabka waxaa uu qofka dhaqdaa uu heli karaa waxsoo saar malab sanadkiiba laba jeer, marka uu sifeeyana waxaa jira suuq malab oo dalka gudihiisa ah iyo mid dibadiisa ah. Malabka oo loo cuno dawo ahaan iyo Raashin cunto ahba, waxaa kale oo xabag barsheedka malabka laga sameeyaa waxyaabaha ay inta badan haweenku jidhka marsadaan ee loo yaqaan kiriimaka (Cream), shamaca la shito, salidd, Baalashka kabaha, Dareere lagu ilaaliyo maaska kabaha iyo looxa.

Sidoo kale ayaa malabka iyo waxyaalaha kale ee la socda waxaa lagu daweeyaa cuno xanuunka iyo Riiraxyada.

Mashruuc Lagu Dhisayo Waddada Burco – Ceerigaabo Oo Shalay Lagaga Dhawaaqay Hargeysa

 

Hargeysa (Haatuf): Shir ku qabsoomay Huteelka dawladda ee Hargeysa Club oo uu furay M/weyne xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shalay lagaga dhawaaqay barnaamij ku saabsan dhismaha waddada isku-xidha Burco iyo Ceerigaabo oo la bilaabayo.

Kulankaas oo ay ka soo qayb-galeen madax ka tirsan golayaasha dawladda iyo dadweyne kaleba, waxa laga sheegay in fulinta mashruuca dhismaha iyo dayactirka waddadaas loo xilsaaray shirkad wadani (local) ah oo lagu magacaabo Allied Development Organization (ALDO). Mashruuca dhismaha waddadaas kharashka mashruuca dhismaha waddadaas waxa si rasmi ah u soo qiimeeyay Wasaaradda Hawlaha guud iyo hay’adda wadooyinka Qaranka (SRA) iyada oo lagu qiyaasay dhererka jidku in uu yahay 306KM laga bilaabo ina Af-madoobe ilaa iyo Ceerigaabo, jidkaasi oo marka la carro tuullo lagu qiimeeyay inuu ku kacayo lacag dhan (15,000,000) oo ah Doolarka Maraykanka.

Hase yeeshee wejiga koowaad ee hawlgalku wuxuu ku koobnaan doonaa 80km oo noqon doona meelaha ugu xun jidka, waxaana lagu qiimeeyay in uu ku kacayo lacag dhan (1,879,000) oo ah doolarka Maraykanka sidaa daraadeedna dawladda JSL waxay baaq u jeedisay hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa dawliga ah hay’adaha Q.M hay’adaha wadaniga ah, ganacsatada iyo qurba jooga in ay kaalin ka qaataan meel marinta mashruucan iyada oo dawladuna sheegtay inay qaybteeda oofin doonto.

Warku wuxuu intaa ku daray in hay’adda wadaniga ah ee ALDO mashruucan oo la xidhiidha horumarinta dalka u fulin doonto si waafaqsan daraasada hay’adda wadooyinka Qaranka (SRA) si loo hubiyo hirgalinta waddo tayo leh, markaana, loo qorsheeyo dayactirkeeda marka hawsha la fuliyo.

Sidoo kale waxa la magacaabay Guddiga Dhaqaale Ururinta Mashruuca Dhismaha Waddada Burco Iyo Ceerigaabo, guddigaas oo madax banaan waxa xubnihiisu ka kooban yihiin shaqsiyaad sumcad, magac, iyo aqoon leh, islmarkaana, haysta kalsoonida bulshada, iyaga oo u xilsaaran:

§          Ururinta Deeqaha lagu fulinayo mashruucan

§          ka warbixinta mashruuca

§          ka xisaabtanka mashruuca oo u furnaan doona dhammaan deeq bixiyayaasha.

Sida warku sheegay wadadu waxay mari doontaa Ina-Af-madoobe, Xayira, War-Idaad, Qasin Qodax,Cali Xirsi, Tuurar, Cadaad, Gar-adag, Fadhi-gab, Ceel-afweyn, Kalsheekh, Yufle iyo Ceerigaabo.

Dhinaca kale Afhayeenka Guddiga dhaqaale ururinta mashruuca C/Kariim X. Ducaale ayaa baaq u jeediyay muwaadiniinta dalka, Jaaliyadaha dibadda iyo bulshada Caalamka si ay uga qayb qaataan mashruucan oo ah mid waxtarkiisu saamayn doono dhammaan bulshada Somaliland isaga oo isku xidhi doona dalka kana qayb qaadan doona kor u qaadida dhaqaalaha iyo isku xidhka bulshada.

Muran Dhul Oo Ka Dhex-Aloosmay Dawladda Hoose Ee Burco Iyo Ganacsade Indha-Deero

 

Burco (Haatuf): Muran dhul ayaa shalay ka dhex-aloosmay maamulka dawladda hoose ee Burco iyo ganacsade, Cabdi Cawed Cali (Indhadeero), wuxuuna murankaasi ka dambeeyey, markii ay maamulayaasha dawladda hoose baabi’iyeen dhisme sees ah oo ku samaysnaa dhul la sheegay inuu lahaa Indhadeero, halkaas oo ay maamulayaasha dawladda hoose sheegeen inay ka dhigayaan istaan ay basaska magaalada dhexdeeda isaga gooshaa leeyihiin. Hase yeeshee ganacsade Indhadeero ayaa taa si weyn uga soo horjeestay, waxaana hadda taagan muran aan weli xal loo helin.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel Shire waxay goobta muranku ka taagan yahay ku taal meel u dhexaysa saldhigga dhexe ee booliska oo ku yaal badhtamaha magaalada iyo dhisme bakhaar ah oo uu leeyahay ganacsade Indhadeero, waxaana dhulkaa ku xeernaa dhisme sees ah oo hore loogu sameeyey. Hase yeeshee maamulayaasha dawladda hoose oo isticmaalaya kooxo isugu jira ciidamada booliska iyo ciidamda Qaranka ayaa shalay baabi’iyey seeskaa, iyadoo ay madaxda dawladda hoose sheegeen inay goobtaasi noqonayso istaan basaska ah.

Maayar-xigeenka Burco, Maxamed Diiriye Xayd oo arinta dhulkaa wax laga waydiiyey ayaa ugu horayn ku jawaabay “ Goobta aanu banaynay waxaanu ugu talo galay istaan ay basasku ka baxaan waayo basaskii ayaa xidhay suuqii iyo wadooyinkii magaalada oo waayey istaan ay istaagaan”, laakiin waxa uu maayar-xigeenku ku andacooday inuu dhulkaasi yahay dan guud oo aanay cidi lahayn, wuxuuna yidhi “Dhulkaas oo ah dhulka u dhexeeya saldhigga dhexe ee booliska iyo guryaha xaasaska booliska waxa weeye dhul dan guud ah, aniguna waxaanu tix-raacaynaa wareegtadii dawladda dhexe soo saartay ee ahayd inaanay dhulka danta guud cidina yeelan karin, cidina mulkiyad u samaysan karin, dhulkanina waxa uu ka mid yahay dhulka danta guud,meeshana waanu nadiifinay, waxaanuna ka dhignay istaan ay basasku ka baxaan”.

Maayar-xigeenka mar la waydiiyey inay wax xidhiidh iyo wada hadal ah kala sameeyeen dhulkaa ganacsadaha lahaanshihiisa ku dacwoonaya intii aanay burburin, wuxuuna ku jawaabay “ Intii aanu meesha joognay nooma iman ninkaasi, laakiin iminka waxaanu maqlaynay in meeshii la dhigay lawdhadh dhagxaan iyo ciid ah”, laakiin maayar-xigeenku, isaga oo tilmaamaya sida ay maamul ahaan arinta ka yeelayaan maadaama uu ganacsade Indhadeero intaa ay dawladda hoose banaysay ka dib soo dhigay lawdhadh dhagxaan iyo ciid ah, waxa uu yidhi “ arintaasi waxay iminka u taal guddiga nabadgelyada gobolka, mana jiro wax gaar ah (go’aan) oo aanu anagu ka qaadanaynaa”.

Dhinaca kalena waxa arinta dhulkaa wax laga waydiiyey Mustafe Cabdi Cawed (Mustafe-Indhadeero) oo ah wiil uu ka dhalay Indhadeero, kana mid ah maamulayaasha sare ee hawlaha ganacsiga Kembeniga Indhadeero, wuxuuna Mustafe-Indhadeero ku dacwiyey inay dhulkaa leeyihiin, isla markaana ay lahaanshihiisa u haystaan sharciyad waqti fog ku siman, wuxuuna yidhi “ dhulkan anagaa leh, maanuna boobin ee sifo sharci ah ayey dawladi nagu siisay, sharciga dhulkaana waxaanu haysanay Somaliland ka hor, iminkana sharci ayaanu u haysanaa”, laakiin waxa jira warar sheegaya inay maamulayaasha kembeniga ganacsade Indhadeero ciidan maleeshiyo ah geeyeen goobta muranku ka taagan yahay, hase yeeshee Mustafe-Indhadeero oo jiritaanka arintaa la waydiiyey wuu beeniyey, wuxuuna yidhi “ Ma jiro haba yaraatee wax ciidan ah oo aanu anagu meeshaa geynay, laakiin maamulka ayaa meeshayadii anaga oo aan waxba ka ogayn ciidamo iyo Cagaf-cagafyo geliyey oo si fawdo ah u burburiyey”.

Mustafe-Indhadeero waxa kale oo la waydiiyey inay masuuliyiinta dawladda hoose wax xidhiidh ah kala soo sameeyeen qadiyadda dhulkaa, wuxuuna ku jawaabay “ Maanu arag cid nagu tidhi meesha waa loo baahday oo istaan basaska ah ayaa laga dhigayaa, laakiin awood iyo jujuub aan waxba nalaga waydiin ayaa dhulkayagii lagu dumiyey”, laakiin waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi “ Hadii markii hore wax nala soo ogaysiin lahaa oo dariiqa ay leedahay la isu soo mari lahaa, lana odhan lahaa dhulkiina waanu u baahanahay, koley hadii dariiqaa wada-hadalka ah naloola iman lahaa wuxuun baanu ka yeeli lahayn, balse iminka waxaanu u aragnaa awood sheegasho iyo tacadi naloola badheedhay, dhulkana anaga ayaa leh, sifo sharci ah ayeyna dawladi nagu siisay, mana jirto cid sharciga ka weyni” ayuu Mustafe hadalkiisa ku soo gebagebeeyey, isla markaana ilaa hadda ma jiro wax xal ah oo laga gaadhay arintaa iyo wax dambe oo dhacay toona.

Maamulka sare ee magaalada Burco (Maayarka iyo maayar-xigeenka) ayaa tan iyo markii ay xilka la wareegeen oo ahayd bishii aynu ina dhaaftay waxay ku hawlanaayeen ololayaal nadaafadeed oo ay ku saxar-qaadayaan goobaha qashinku tuurran yahay, isla markaana waxay wararku intaa ku dirayaan inay dhinaca kalena maamulayaasha dawladda hoose intii ay ololahaa nadaafadeed ku jireen ay meelo markii hore xidhnaa ka bixiyeen wadooyin cusub, iyadoo ay wadooyinka cusub ee la bixiyey madaxda dawladda hoose ku macneeyeen in loogu talo galay in loo maro xaafado aan markii hore lahayn wax wado ah oo loo maraa.

Maamulka C/Aasim Oo Dalbaday In

La Siiyo Lacag Siyaad Barre Dhigtay Switzerland

 

Muqdisho (Al-Sharqul Awsad) – Maamulka C/qaasim Salaad Xasan ayaa dedaal xoog leh ugu jira sidii uu u heli lahaa maaliyad lacgeed oo la sheegay inuu dalka Switzerland dhigtay keligii taliyihii geeriyooday ee Somaliya Maxamed Siyaad Barre muddadii uu hayay xukunka dalkii la isku odhan jiray Somaliya.

Sida uu qoray wargeyska ‘Sharqul-awsad’ oo ka soo baxa London cadadkiisii soo baxay 26-kii bishii July ee dhammaatay, waxa sidaa caddeeyay oo daboolka ka qaaday C/laahi Maxamed Cadow oo mar ahaa wasiirka Maaliyadda ee xukuumaddii Siyaad Barre, haatana ku magacaaban wakiilka Somaliya u fadhiya Qaramada Midoobay. Mar uu waraysi la yeeshay wargeyska Qarni oo ka soo baxa Muqdisho, waxa uu uga digay dawladda Switzerland inay aqbasho dalabka ay kooxda Carta ku doonayso inay ku hesho maaliyadaa Baanankooda uu dhigtay Siyaad Barre, taas oo uu sheegay inay u doonayaan sidii ay ugu fushan lahaayeen dano iyaga u gaar ah.

Cadow oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray in aanay xukuumadda Carta wada metelin dhammaan qaybaha Somaliya, sidaa darteedna aanay xaq u lahayn in la siiyo maaliyadda Siyaad Barre dhigtay Switzerland.

Dhawaaqan ka soo yeedhay Cadaw, ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dabolka ka qaadaaya maaliyadda la sheegayo inuu Siyaad Barre dhigtay baanan ku yaala dalka Switzerland, taas oo inta ay dhan tahay aan ilaa hadda daboolka laga qaadin, balse lagu qiyaasayo malaayin dollar oo uu Siyaad Barre meelaystay intii u dhaxaysay 1969-kii ilaa 1991-kii oo xukunka laga tuuray intii u dhaxaysay 1969-kii ilaa 1991-kii oo xukunka laga tuuray. Waxaase jiray isku-dayo noocan oo kale ah oo ay maaliyadan ku dalbadeen xukuumadihii ay Muqdisho ka dhiseen Cali Mahdi iyo Gen. Maxamed Faarax Caydiid, kuwaas oo ay u suurtogeli weyday inmaaliyadaas la siiyo.

Ciraaq Oo Ku Hawlan Samaynta Hubka Nuclear-Ka

Madaxweyne Bush oo kumannaan askartiisa ah u diraya Ciraaq si ay uga soo dagaalamaan

 

Guddi ka tirsan aqalka Senit-ka Maraykanka oo ay u socotay dood ku saabsan weerar militeri oo uu Maraykanku ku qaado Ciraaq, ayaa shalay soo gebogebowday.

Guddigaas intii ay doodu u socotay waxay dhegaysteen warbixin sheegaysa in uu madaxweynaha Ciraaq ku hawlan yahay sidii uu u soo saari lahaa hubka sida ba’an wax u gumaada.

Madaxii hore ee kooxda baadhista hubka halista ah ee Ciraaq ay u dirtay Qaramada Midoobay ayaa maalintii Arbacadii guddiga Senate-ka u sheegay in ay Ciraaq ku tallaabsatay soo saarista hubka kiimilka ah, iyo kan Biological-ka ah. Afartii sannadood ee hawl-wadeenada Q. Midoobay ee baadhiista hubku ay ka maqnaayeen Ciraaq.

Mr. Richard Butter, wuxuu intaa ku daray inay suurtogal tahay in ay Ciraaq xataa ku dhaqaaqday muddadaa in dib ay u bilowdo samaynta hubka nuclear-ka.

Guddoomiyaha guddiga Senate-ka ee ka talinta weerar milateri oo uu Maraykanku ku qaado Ciraaq ayaa sheegay in uu madaxweyne Bush u diri doono Ciraaq kumaankun askar ah, si ay uga soo dagaalamaan, in sidaa la sameeyaana ay tahay lagama-maarmaan si loo ilaaliyo danaha dadka Maraykanka ah.

Senator Joseph Biden, wuxuu intaa ku daray inaanu kala tashanayn saraakiisha maamulka go’aan ka gaadhista weerarka Ciraaq, waayo lama rabo in la farageliyo waxa laga yeelayo Ciraaq.

Maamulkii Sare Ee Shirkadda Is-Gaadhsiinta Maraykanka (World-Com) Oo Xabsiga Loo Taxaabay

 

New York (W. Wararka): Laba ka mid ah Agaasimayaashii fulinta shirkada Isgaadhsiinta wold-com ee Maraykanka oo loo haysto fadeexad ah khasaare weyn oo ku yimid shirkadaa ayaay hayada (FBI) shalay galinkii hore xabsiga u taxaabtay magaalada New York.

Madaxdii hore ee maaliyada ee shirkada world-com Mr. Scott Sullivan iyo David Myers oo ahaa hantidhowre u shaqeeya shirkadaa ayay xidhay hayada dembi baadhista ee Maraykanka FBI, iyadoo labadaa nin si kala gaara loogu haysto musuqmaasuq iyo warbixin khaldan oo ay u gudbiyeen hayada (Sec) security and exchange commission oo dalka Maraykanka u qaabilsan la socoshada xisaabaadka iyo ganacsiga. Xadhiga Mr. Sullivan iyo Mr.Myers wuxuu ka danbeeryay baadhid danbiyeed oo ay samaysay hayada FBI, kaalintii ay labadaa nin ku lahaayeen fadeexad lagaga lunsaday shirkada world com lacag dhan $4,Bilyan oo doolar una dhiganta (2.5 bilyan oo giniga staralinka ee wadanka Ingiriiska).

Khasaraha ku yimid world-com ayaa keenay in shaqada laga eryo Mr. Sullivan waxaa isna shaqada iska casilay Mr.Myers fadeedaxada ka dhacday shirkada World-Com waxaa isna diirada lagu hayaan in ka mida ragii aasaasay shirkadaa oo haddana ka hayay jagada Gudoomiye guddiga fulinta Mr.Bernie EBBERS oo aan ilaa hadda lagu cadeyn dembi laakiin la sheegay intaan shirkada World-com kicin in uu ka amaahday lacag dhan $(400) oo milyan, amaahdaa oo aanu dib ugu soo celin shirkada isagoo qaatay deyntaa muddo ka hor intaan shirkada World-com u kicin burbur kaga yimid maaliyadeed ilaa ($4) Bilyan ah.

Oo si ku soo boodo ah ay shirkaddu uga dhexweyday hantideedii maaliyadeed.

George W. Bush oo ah M/weynihii ugu horeeyay ee xukuma dawladda Maraykanka oo takhasuskiisu yahay hab maamulka ganacsiga (Business Administration) oo uu ku haysto shahaadada M.D (Master Degree) ayaan waafaqsanayn qaabka uu Agaasime fulineed oo shirkadeed uu isla shirkadiisa hanti faro badan uu uga amaahan karo.

Xadhiga shalay ee madaxdii shirkada World-com waxaa kale oo ka horaysay, madaxdii shirkada Adelphia oo todobaadkii hore la xidhay iyo kuwii shirkada Im clone oo iyana bishii June ee sanadkan la xidhay.

Qaramada Midoobay Oo Dedafeeyay Xasuuqii Jenin

 

New York (W. Wararka): Warbixin ay qaramada midoobay ka soo saartay baadhitaan ay ku samaysay weerar ay Ciidamada Israa’iil hore ugu qaadeen degmada Jenin oo ay degan yihiin Falastiiniyiintu.

Warbixintaa oo ay shalay khamiistii soo saartay qaramada midoobay ayay ku sheegtay in weerarkaa Jenin tirada falastiiniiyiinta ku dhintay inay guud ahaan ahaayeen (52) qof, iyadoo Badhka mida dadkaa dhintay ay shicib noqon karaan, warbixintu waxay intaa ku dartay in weerarka Jenin ay ku dhinteen 23 Askari oo israa’iiliyiin ahi 3 April ee sanadkan markii weeraro isbiimeyna lagu qaaday gudaha Israa’iil taas oo ay Israa’iiliyiintu ku eedaysay in xerada qaxootiga falastiiniyiinta ee Jenin ahayd halka saldhiga u ahayd weeraro bama oo laga fuliyay Israa’iil intii aan Ciidamadoodu weerarin saraakiisha sare ee maamulka Falastiiniyiinta ayaa xiligaa ku eedeeyay Israa’iil ee weeraray xeradda Jenin in ay xasuuqeen rayid ilaa 500 oo qof ah.

Warbixintan qaramada midoobay ee shalay ay kaga hadashay Jenin waxay sal uga dhigtay tiro koob laga soo xigtay Isbitaalka Jenin oo sheegaya in Falastiiniyiinta dhimashadooda la xaqiijiyay dagaalka Jenin ay tiradoodu aheyd (52) qof. Warbixintan qaramada midoobay waxay si wada jira ugu eedeeysay Israa’iiliyiinta iyoFalastiiniyiinta inay si cad bartilmaameed ciidamadoodu uga dhigteen meelaha ay dadka shicibku ku noolyihiin. Warbixintan qaramada midoobay ka soo saartay arrintii ka dhacday xerada qaxootiga ee Jenin waxaa isaguna diiday oo gaashaanka ku dhuftay Mr. Saib Erakat oo ah sarkaal Falastiiniya oo ka qayb gala shirarka dhexdhexaadinta ee khilaafka bariga dhexe, waxaanu ku adkeystay in Jenin Xasuuq iyo xadgudub ka dhacay.

IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid I. Guraase

Fadliga Akhlaaqda Fiican

 

Akhlaaqada oo ah facaa’ilka ka soo fula qofka nafsad ahaana ugu abuuran haddii ay fiicantahay iyo haddii ay xuntahayba islamarkaana qofka uga soo fusha si u kas ah iyo si aan u kas ahaynba waxa mararka qaarkood ama inta badan isbadal ku sameyn karta tarbiyada iyo tacliinta uu qofku qaato.

Haddii uu qofku yahay mid ay ku abuurantahay dabeecad wanaagsani islamarkaana ay akhlaaqdiisu fiican tahay waxa uu noqdaa mid xaga ilaahay fadli weyn ku leh, dadkuna ay jecel yihiin, haddiise uu qofku noqdo mid ay akhlaaqdiisu xuntahay waxa uu mutaystaa in xaga ilaahay iyo xaga dadkaba laga naco islamarkaana had iyo jeer la karaahiyaysto. Marka culimada diintu macnaynayaan akhlaaqda fiican waxay ay ku macneeyaan inay tahay qofka oo laga helo waji furnaan, soo dhaweyn leh, dhibaatana aan dadka u gaysan, dulqaad leh, u adkaysta dhibaatada dadka, islamarkaana wanaag ku bedela xumaanta loo gaysto.

Calaamadaha kale ee uu leeyahay qofka akhlaaqda wanaagsani waxaa ka mid ah sifooyinkan soo socda:

-          Xishoodka: Calaamadaha lagu garto qofka muslimka ah ee akhlaaqda fiican waxaa ka mid ah xishoodka oo ka mid ah qaybaha Iimaanka sida uu nabigu c.s.w. xadiis ku yidhi “Iimaanku waa dhawr iyo todobaatan qaybood, waxaa ugu fadli badan kalmada Laa-Ilaaha Ila-Laah, waxaana ugu hoosaysa dariiqa oo dhibaatada laga qaado, Xishoodkuna waa qayb Iimaanka ka mid ah” Xadiis kale waxa uu nabigu CSW ku yidhi “Xishoodku lama yimaado waxaan khayr ahayn” laakiin qofka muslimka ahi kama xishoodo xaqa ee wuu ku dhiiran yahay balse wuxuu ka xishoodaa wixii aan munaasib ahayn.

-          Samirka iyo adkaysiga ayaa iyaguna ka mid ah sifooyinka lagu yaqaano qofka akhlaaqda fiican. samirka oo ah nafta oo lagu adkeeyo ama lagu xajiyo wixii ay nacayso in laga adkaysto wixii xun ee ay naftu jeceshahay iyo in lagu samro wixii dhibaato kugu yimaada waxa uu leeyahay fadli weyn, iyo ajar aad u fara badan oo laga helayo Ilaahay agtiisa.

Sideedaba adduunyada waxaa loo abuuray imtixaan iyo tacab, sidaa darteed qofka waxaa laga doonayaa inuu yeesho adkaysi iyo samir dhab ah oo uu ugu babac dhigi karo dhibaatooyinka soo waajaha.

-          Deeqsinimo iyo waxbixinta ayaa ka mid ah sifooyinka qofka muslimka ah ee akhlaaqda fiican isaga oo naftiisa waxa uu la jecelyahay la jecel dadka walaaladii ah ee muslimiinta ah. Qofka muslimka ah ee akhlaaqda fiicani waxa uu u gaajoodaa inuu dadka kale dhergiyo, waxa uu u haraadaa inuu dadka kale waraabiyo, mararka qaarna waxaabu u dhintaa inuu badbaadiyo dadka kale.

-          Caddaalada ayaa iyaduna ka mid ah calaamadaha lagu yaqaano qofka muslimka ah caddaaladdu maaha sida aynu u naqaano mid Maxkamadaha uun taala ee waa mid laga doonayo qofkasta inuu caddaalad sameeyo haddii ay tahay hadalkiisa, ficilkiisa, iyo dhaqankiisaba. Marka uu qofku caddaalad sameeyo ayuu caddaalad helaa laakiin haddii uu dulmi ku socdo isna waxaa lagu salidaa qof dulmiya sida uu Ilaahay xadiisul Qudsi ku yidhi “Qofka I caasiya ama ka baydha dariiqa fiican isaga oo I garanaya, waxaan ku salidaa mid aan I garanayn” halkaa waxaa inooga cad haddii ay dadku dambiga badsadaan waxay la kulmaan ciqaab. Waxyaabaha kale ee lagu garto qofka akhlaaqda fiican waxaa ka mid ah inuu yahay qof naxariis badan una naxariista dadka iyo xayawaankaba inuu yahay qof Runta sheega, inuu yahay qof aan kibrin, iyo inuu ahaado mid la jecel yahay hadalkiisa iyo ficilkiisaba iskana ilaaliya wixii meel ka dhac ah.

Haddii aynu eegno fadliga uu leeyahay qofka akhlaaqda fiicani, nabiga CSW waxa uu xadiis ku yidhi “Muslimiinta waxa ugu Iimaan badan kuwooda ugu akhlaaqda fiican” xadiis kale waxa uu ku yidhi “Maalinta qiyaamaha waxa miisaankooda khayrku ugu badan yahay dadka akhlaaqda fiican” mar Rasuulka CSW la weydiiyay waxa ugu kheyrka badan waxyaabaha la sameeyo waxa uu ku jawaabay “Akhlaaqda fiican” sidaa darteed waa in la ilaaliyo ku dhaqanka akhlaaqda fiican iyo in la iska ilaaliyo dabeecadaha xun xun ee ifka iyo aakhiraba u xun.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Ragga Doorashada Doonaya

Carruurtoodii Dibadday Jirtaa, Rayaale Mooyee

Siyaasiyiinta doorasho doonka ah ee dalka Jamhuuriyadda S/land, sida Xisbiyadda Siyaasadda gudoomiyayaashooda, marka laga reebo xisbiga UDUB ee talada dalka haya gudoomiyahooda yahay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isaga iyo carruurtiisuba mooyaane.

Inta kale ee doorasho doonka ka ahi, markii aad loo darsay waxa cadaatay in midkastaaba carruurtiisii ay dagan yihiin oo dalal kale oo shisheeye nin walbana uu u kiraysan yahay Hoteel isagoo doorasha ka doonaya carruur Muwaadiniin ah oo dalka joogta Sidaasi darteed waxaanu ka codsanaynaa ninkasta ama shaqsi kasta oo muwaadin ah inuu u fikradiisa ka dhiibato arrintaasi siday iigu muuqato, anigu ma ihi ururka UDUB ee waxaan ahay nin muwaadin ah oo dhexdhexaad ah.

Jaamac C/llaahi Qoob, Goljano Hargeysa.

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Robbie Fowler Oo Qalliin Guda-Galay

 

England (Reuters) -Weeraryahanka Leeds United ee Robbie Fowler ayaa guda-gelaya qalliin lagaga samaynayo minsigta oo uu toban toddobaad ciyaarood ciyaaraha kaga maqnaanayo.

27-jirka oo ay ka muuqatay qaddar dhutis ah oo dhinaca sinaha ah kahor intii dhakhtarku caddayn dhibaatada muddada dheer soo jiitamaysay.

Fowler waxaa dib loogu soo celiyay dalka bilowgii safarkii kooxdu ku kala bixisay bariga fog, markii kooxdu si dhab ah u xaqiijisay dhaawaca ciyaartoyga. Hase yeeshee ilaa hadda si dhab ah Leeds uma hayso ah in weeraryahankoodu seegi doono bilowga xilli-ciyaareedka. Laakiin waxaa la xaqiijiyay in Fowler dhaawacu gaadhay horraantii April oo ahayd kulankii Leeds ay 1-0 kaga badisay kooxda Derby, waqtigaas oo loo sheegay inuu is qalo, si aanu dhaawacu ugu sii xumaan.

Fowler wuxuu ku biiray Leeds oo uu 11 milyan oo gini ugaga soo wareega Liverpool bishii November 2001. wuxuu ciyaaraha dib ugu soo laabanayaa dhammaadka bisha September.

Weeraryahanka Australia ee Mark Viduka ayaa isu diyaarinaya inuu xilli-ciyaareedkan xaga hore ka safto.

Si kastaba ha ahaatee, maqnaanshaha Fowler wuxuu u dhow yahay inuu Robbie Keane iyo Michael Bridges siiyo fursad ay iskaga dhaadhiciyaan tabobaraha cusub ee Terry Venables.

Talyaaniga Oo Dhexda U Xidhay

Wax-Ka-Qabashada Dhaqaale Ee Kooxihiisa

 

Sayladda iibka Talyaaniga ee xagaagan ayay duufaan dhaqaale ku kaceen, wxayna noqotay mid hos u gaadhay meel aan hore loo arag oo la odhan karo seexatay.

12 bilood kahor kharashka Talyaanigu ku bixiyay sayladda wax kala iibsigu wxuu kor u dhaafa 200 oo milyan oo gini, kuwaas oo ay ku jireen sagaal heshiis oo mid waliba 20 milyan kor u dhaafay.

Zinedine Zidane ayaa ugu sarreeyay waxay debedda ka iibiyaan, wuxuuna isaga gudbay Juventus iyo Real Madrid oo 47 milyan oo gini kula kala wareegay, taasi waxay keentay in Turin bixiso 80 milyan oo gini, oo xagaagaa ay dib isugu dhistay.

Hase yeeshee, xagaagan Massimo Maccarone, oo 8.15 milyan ay ku kala iibsadeen Empoli iyo Middlesbrough ayaa noqotay lacagta ugu badna ee u soo xerootay kooxaha Talyaaniga.

Marcos Assan Cao, ayaa jeebka Roma ku soo hooyay 4.5 milyan oo gini oo Real Betis ka siisatay. Maccarone tegistiisu waxay muujinaysaa suuqa dawladda Talyaaniga.

Kooxda heerka dhexe kaga jirta horyaalka Ingiriisku waxay ku tallaabsatay inay jilaabato wiilka Talyaaniga ah ee da’diisu 21-jirka ka hoosayso.

Taasina waxay muujinaysaa in kooxaha qarankaa ugu waaweyni hoosta ka xariiqaan in dhibaato dhaqaale xumo so food-saartay kubadda cagta Talyaaniga.

Iyad oo dhibaatada ugu weyni haysato kooxaha waaweyn oo xaalad cusub gudagalay.

Roma oo horyaalka heerka koowaad (Serie A) hanatay laba xilli-ciyaareed kahor iyo kooxda ay caasimadda ku wada yaaliin ee Lazio ayaa cabashada ugu xumi ka soo yeedhaysaa.

Magaalad Roma kooxaheedu waxay ku jiraan 23 naadi oo halgan dhaqaale ugu jira sidii aanay ugu hadhin qiimaynta lagu kala sarreeyo, kuwa ka hadhaya horyaalka iyo kuwa kale. Tallaabadaas oo bilaabmaysa kowda September.

Waxaa suurtgal ah sababta bisha dib loogu dhigay inay tahay in laga wadahadlayo sidii kooxaha qaar ka mid ahi ay waqti ugu helaan si ay heshiis ula gaadhaan telefishanka.

Horyaalada England, Scotland iyo Germany, ayaa telefishanadu u caddeeyeen inay hoos u dhigayaan qiimaha kubadda cagta Talyaaniga, iyada oo ujeedadoodu tahay in la badhi-taaro si ay kor uga so kacaan marxaladda hadda.

Kooxo badan ayaa qaaday tallaabo ay ku khamaarayaan oo ay si culus ugu xakamaynayaaqn kharashka telefishanada. Hase yeeshee, heshiisyada telefishanadu la galeen ayaa qalijiyay kharashkii kooxaha, biilka musharhaarka ayaa isna xakame ku noqday. Lazio oo xaaladdu ku xun tahay waxay isku deyaysaa inay culayska iska yarayso. Shan ciyaartoy ayaa ku daba-dheeraaday sidii ay kooxohoodii ugu celin lahayd dhaqaalihii ay kaga iibiyeen.

Hernan Crespo ayay wararku sheegayaan in Manchester doonayso inay ku qaadato qaan ay kaga lahayd Jaap Stam.

 Jaap Stam oo ay weheli Alessandro, Nesta iyo Claudio Lopez ayay ku talo-jirtaa inay ku meelayso kooxo kale, si ay uga hesho kharashka biilka. Gaizka Mandieta ayay wararku sheegeen inay ku helayaan 3.5 milyna oo gini sannadkiiba.

Kooxda AC Milan ayaa qaaday tallaabo gunti-giijis ah oo ay ku jihaysay sidii ay heshiis ula gaadhi lahayd Rivaldo oo Barcelona ka yimi.

Dhab ahaan heshiiskaas oo madax-bannaan, ayuu Rivaldo ku xidhay mushahaar adag, taasina waxay noqotay runtiina ku soo ururtay inuu miiska dhigo wax kasta oo ay wada-galeen Tottenham iyo Newcastle markii la gaadhay gursaddii ay heshiis kula saxeexan lahaayeen Rivaldo.

Kooxaha Talyaaniga ayaa ka dheregsan sababta ay dahllinyaradodou debedda ugu dirayaan, iyaga oo amaah ah, taas oo ay uga jeedaan inay khibrad ka soo korodhsadaan, maadaama kooxahoodii waaweynaa kharash u waayeen.

Hadda ciyaartoyga khibradda leh ayay kooxuhu haysanayaan sia y ugu ilaashadaan hantidooda. Hase yeeshee, iyaga laftooda waxaa la fududaynayaa biilka ay qaataan.

Si kastaba ha ahaatee, lacagta oo gacmahooda ku yar ayaa ku qasabtay inay hanaan cusub wax ku kala beddeshaan.

Umit Davala iyo Francesco Coco, ayaa uga wareegay AC Milan kooxda ay isku magaalada yihiin ee Inter oo iyana ku wareejisay Clarence Seedorf iyo Dario Simic.

Umit waxay markiiba amaah ku siisay Galatasaray, taas oo ay uga jeedo in ay isugu dheeli-tirto dhaqaalaheeda.