Haatuf, Cadadki 129, Aug.4, 2002

Maxamed Xaashi Cilmi Oo Shaaca Ka Qaaday In

Aanu Isu Taageyn Tartanka Madaxtinimada Somaliland

Maxaa ku kelifay inuu ka tanaasulo?

Hargeysa (Haatuf): Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta ururka SAHAN ayaa daboolka ka qaaday inaanu nooc ay u tahay toona ka qayb gelayn tartanka madaxtinimada ee mustaqbalka dhow la naawilayo inuu Somaliland ka dhaco, sidaana waxa uu Maxamed Xaashi ku sheegay qoraal rasmi ah oo uu 29-kii July 2002, u gud-biyey hogaanka sare ee ururka SAHAN.

Go’aankan cusub waxa uu Maxamed Xaashi qaatay, ka dib markii uu khilaaf ka Dhex-oogmay hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta urur-siyaasadeedka SAHAN ee uu ka tirsan yahay, iyadoo uu khilaafkaasi si xoog leh u soo shaac baxay dabayaaqadii bishii Julay ee ina dhaaftay, waqtigaas oo ku beegnayd mudadii loo qorsheeyey inuu qabsoomo shirweyne uu ururka SAHAN u ballansanaa 27-kii Julay 2002, laakiin shirkaasi wuu burburay ka dib markii ay hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta ururkaasi isku mari-waayeen hanaanka loo maamulayo ajandayaasha iyo hawlaha shirka. Sidaa darteed Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa ragga lagu tuhunsanaa inay ururka SAHAN uga qayb geli doonaan tartanka kuraasta sare ee madaxtinimada dalka waxa uu sababta tanaasulidiisa gun-dhig uga dhigay khilaafka iyo murugga siyaasiga ah ee la soo dersay ururkiisa, isaga oo Maxamed qiray inuu khilaafkaasi yahay mid jira.

“Waxaan filayey ururka SAHAN inaynu ku dhisayno siyaasad caafimaad qabta oo u adeegaysa danaha ummadda, kana duwan siyaasadii lixdameeyadii ee salka ku haysay danaysi shakhsi iyo loollan qabiil” ayuu yidhi Maxamed Xaashi, laakiin waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi “Waxaan arkaa ama ii muuqata in aynaan waayo-aragnimo iyo bisayl ka kasban wixii ina soo maray xiligii halgankii qadhaadhaa, sida dhacii, burburkii iyo xasuuqii dadkeena loo geystay. Waxa kale oo ii soo uraysa xumaantii iyo loollankii qabyaaladeed iyo xaaladdii lixdankii”.  Intaa ka dib Maxamed Xaashi waxa uu sheekada ku gunaanaday “ Sidaa darteed waxaan go’aansaday in aanan ka qayb gelin tartanka doorashooyinka, isla markaana aanan musharax u ahayn madaxda la doorran doono iyo wax xil ah toona”.

Maxamed Xaashi waxa uu ka mid ahaa labadii nin ee shir-beeleedkii horaantii 97-kii kursiga madaxweynenimada kula tartamay madaxweynihii geeriyooday marxuum: Maxamed X. Ibraahin Cigaal, iyadoo uu ninka kalena ahaa Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal). 

Ururka SAHAN waxa uu ka mid yahay ururada siyaasadeed ee dhowaan dalka ka abuurmay, waxaana ku bahoobay rag door ah oo ka mid ah kooxaha siyaasadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin niman badan oo xilal sare ka soo qabtay dawladda Somaliland, isla markaana waxa ka mid ah rag badan oo kaalin firfircoon kaga jirey dhinaca mucaaradka. Hase yeeshee mudooyinkan dambe waxa soo food saaray khilaafaad siyaasiya oo isa soo taray, taasina waxay keentay inuu qabsoomi kari waayo shirweyne uu ururku u ballansanaa 27-kii Julay 2002, ka dib markii uu khilaafku cirka isku shareeray, isla markaana ay siyaasiyiinta ururku si xooggan ugu kala jabeen ugu yaraan laba qaybood sida ay doonaan-ba ha u kala bateene.

Muddo ka hor maalintii shirweyanaha loo cayimay ayuu hogaanka SAHAN magacaabay guddi kooban oo loogu yeedhay guddiga tur-xaan bixinta, kuwaas oo loo saaray inay qod-xanyotir ku sameeyaan khilaafaadka ka soo if-baxay ururka dhexdiisa. Hase yeeshee 15-kii Julay, 2002 ayey guddigaasi soo celiyeen natiijada hawshii loo saaray, waxayna qoraal ay soo saareen ku sheegeen inay xog-waraysiyo la yeesheen rag kala duwan oo ka kala tirsan, Shirgudoonka, guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee ururka, iyaga oo sheegay inay xog-waraysigooda uga dan lahaayeen inay macluumaad iyo xogo dheeraad ah ka helaan ubucda khilaafka siyaasiyiinta ururka.

Sidoo kalena waxay guddigaasi qoraalkooda ku xuseen inay isna daraasad ku sameeyeen xeerarka ururku leeyahay. Intaa ka dibna waxay guddigu go’aamiyeen qoddobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin: inay guddiga qaban-qaabada shirweynuhu hawlaheeda sii wadato oo ay diyaariso xeerarkii iyo ajandayaashii shirka iyo inuu golaha dhexe ee ururku shir isugu yimaado 21-ka Julay 2002. Sidoo kale waxay guddigaasi go’aamiyeen inuu shirweynaha ururku qabsoomo maalinta Axadda ee 28-ka Julay 2002, laakiin arimahaas oo dhami ma soo af-jarin khilaafkii jirey, taasina waxay keentay inuu shirku dib uga dhaco maalintii loo qorsheeyey, waxaana dib loo riixay muddo saddex maal-mood ah, taas oo mar kale loo ballamay 31-kii Julay, balse maalintaana suurtagal may noqon inuu shirkii qabsoomo, ka dib markii dhinicii ka soo horjeeday qaabka shirka loo maamulay ay baabuur ku gooyeen barxadii loogu talay shirka, taas oo ay arintu isa soo taagtay qir iyo qir, waxayna gebagebadii noqotay in gebi ahaan-ba lagu kala dareero madashii shirka loogu ballansanaa, sidaana uu shirweynihii loo ballamay ku baaqdo ilaa haddana ma jiro wax xal ah oo loo helay khilaafka burburiyey shirka.

“Khilaafaadka la sheegay wuu jiraa, laakiin sida wax loo qoray ma wada aha, anigu waxaan arkay jariiradda Jamhuuriya oo habka ay u dhigtay ilama qurux badnayn” ayuu yidhi Maxamed Xaashi, isaga oo ka waramaya khilaafka soo food saaray ururka uu ka tirsan yahay ee SAHAN, sidaana waxa uu Maxamed Xaashi ku sheegay waraysi uu wargeyska Haatuf la yeeshay shalay. 

Waraysigaas oo uu Maxamed xaashi kaga hadlay sida uu ku yimi khilaafka ururka SAHAN, sida uu hadda u arko in loo maarayn karo khilaafka murugsan ee siyaasiyiinta ururka hadheeyey iyo weliba arimo kale oo la xidhiidha wacyiga siyaasadeed ee uu dalku marayo, aragtidiisa dhinaca doorashada iyo aragtidiisa ku waajahan hogaanka cusub ee madaxweyne Daahir Rayaale iyo waxyaalo kale…

La soco cadadkayaga berito.

Dagaal Culus Oo Ka Dhacay

Puntland Iyo Wararkii U Dambeeyay

Ciidamadayadu waxay shalay qabsadeen 14 tikniko ah, waxayna soconayaan ilaa Garoowe

Agaasimaha Madaxtooyada C/laahi Yuusuf

 

Boosaaso (Haatuf): Dagaal culus oo ay isku haleeleen ciidamada hogaamiyaha maamul-goboleedka Puntland, Cabdilaahi Yuusuf iyo ciidamo taageersan ninka ka soo horjeeda Jaamac Cali Jaamac ayaa Jimcihii doraad ee Ogost 2, 2002 ka dhacay jiido ka mid ah dhulka maamul-goboleedka Puntland, waxayna wararku sheegeen inuu dagaalkaasi sababay dhimasho iyo dhaawac badan, wuxuuna dagaalkaasi ka bilaabmay laba goobood oo ku yaal wadada laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, iyadoo ay meelaha dagaalku ka bilaabmay qiyaas ahaan ku yaaliin badhtamaha labadaa magaalo.

Hase yeeshee ninka agaasimaha ka ah xafiiska madaxtooyada hogaamiyaha Puntland, oo magaciisa la yidhaahdo Ismaaciil X.

Warsame oo aanu xalay cawaysinkii telefoon kula xidhiidhnay, waxna xaaladda dagaalkaa, isaga oo jooga magaalada Boosaaso ayaa ku waramay inaanu maalintii shalay wax dagaal ahi dhicin, laakiin ay ciidamadoodu weli ku gudo jiraan hawl-gal ay ku ugaadhsanayaan maleeshiyada ka soo horjeeda oo uu sarkaalkaasi ku tilmaamay kooxo shufto ah oo khal-khal gelinaya xasiloonida iyo nabadgelyada Puntland, wuxuuna agaasimaha madaxtooyada Cabdilaahi Yuusuf intaa ku daray inay ciidamadoodu shalay qabteen ilaa 14 tikniko ah iyo hal booyad oo ay lahaayeen iyo weliba 18 nin oo cusub oo ka mid ah maleeshiyada ka soo horjeeda, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay si weyn u jabeen.

Cabdilaahi Yuusuf-na waxa uu hadda ku sugan yahay magaalada Boosaaso oo uu fadhiisan ka dhigtay tan iyo markii uu horaantii bishii ee sannadkan ka qabsaday Jaamac Cali Jaamac, iyadoo uu Jaamac-na u firxaday debedaha, gaar ahaan dalka Jabuuti, isaga oo ilaa hadda ku maqan debedda. 

Ma jiraan warar madax banaan oo tafaasiil balaadhan ka bixiyey inay xaaladda kama dambaysta ahi tahay sida lagaga waramay madaxtooyada Cabdilaahi Yuusuf iyo inay wax ka duwan, isla markaana ilaa hadda wax war ahi kama soo bixin dhinaca Jaamac Cali Jaamac, laakiin waxay wararka ka imanaya Puntland tibaaxayaan in laga gol-roonaaday maleeshiyada Jaamac Cali jaamac.

Agaasimaha xafiiska madaxtooyada Puntland, Ismaaciil H. Warsame oo uu wargeyska Haatuf habeen hore telefoon kula xidhiidhay waxa uu sheegay inay ciidamadoodu aroortii hore ee maalinimadii Jimcaha dagaal ku qaadeen laba goobood oo fadhiisan u ahaa maleeshiyada taageersan Jaamac Cali Jaamac oo uu sarkaalka madaxtooyada Puntland ku tilmaamay kooxo shufto ah.

Labada meelood ee dagaalku ka bilaabmay waxa la kala yidhaahdaa Qayaadsame iyo Al-xamdulilah oo ku yaal wada xidhiidhisa Boosaaso iyo qardho, waxayna madaxda maamulka Cabdilaahi Yuusuf gulufkooda ciidan ugu yeedheen “ Hawl-galka dib u sugidda nabadgelyada buuxda ee Puntland ah. 

“Hawl-gal si buuxda loogu sugayo ammaanka Puntland ayey ciidamada Puntland maanta oo Jimce ah (doraad) 5:00 subaxnimo ku qaadeen labo goobood oo wadada Qardho ah, lana kala yidhaahdo Qayaadsame iyo Al-xamdulilah” ayuu yidhi, agaasimaha madaxtooyada Puntland, Ismaaciil H. Warsame, wuxuuna intaa ku daray “ hawl-galkaa waxay ciidamada Puntland cagta ku mariyeen kooxo shufto ah oo dadka baayac-mushtarka ah iyo gaadiidkooda labadii bilood ee ina dhaafay ku baadhan jirey wadada, kuwaas oo halis ku ahaa xasiloonida puntland”, isla markaana waxa uu sarkaalkaasi kooxahaa ku tilmaamay inay kooxo u adeegaya maamulka C/qaasin ee lagu naanayso kooxda Carta (Carta faction).

Agaasimaha Madaxtooyada Cabdilaahi Yuusuf, waxa uu sheegay in dagaalkii Jimcihii ay maleeshiyada ka soo horjeeda kaga dhinteen 99 nin, sidoo kalena ay maxaabiis ahaan uga qabteen 91 nin, isla markaana ay ka qabsadeen 12 tikniko ah, qori BM ah iyo tiro badan oo hubka fudud ah, laakiin dhinacoodana waxa uu sheegay inay ka dhinteen ilaa 11 askari iyo 18 dhaawac ah, isaga oo intaa ku daray inaanu wax khasaare ahi soo gaadhin qalabkooda milateri. Hase yeeshee agaasimaha madaxtooyada Puntland oo aanu mar kale xalay caweysinkii telefoon kula xidhiidhnay ayaa sheegay inay 18 nin oo ka mid ah maleeshiyada ka soo horjeeda ay shalay gelinkii dambe isu soo dhiibeen ciidamadooda hawl-galka ka wada buuraleyda u dhexaysa Boosaaso iyo Qardho, isla markaana ay gacanta ku dhigeen ilaa dhawr iyo toban tikniko ah oo uu yidhi waxa ka carartay maleeshiyada, laakiin waxa uu tilmaamay inaanu dhicin wax dagaal ahi.

“Baaqiga ka soo hadhay shuftada la jebiyey ma laha wax awood ah, laakiin waxay ku dhuumaalaysanayaan godadka iyo dhudhubaha buuraleyda u dhexaysa tuulooyinka Al-xamdulilah iyo Waaciya” ayuu yidhi agaasimaha madaxtooyada Puntland, laakiin mar aanu waydiinay sida ay u galeen maxaabiista ay sheegeen inay ka qab-qanteen maleeshiyada ka soo horjeeda waxa uu sheegay inay u gud-biyeen xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Agaasimaha madaxtooyada Puntland waxa kale oo uu sheegay inay maleeshiyada ka soo horjeeda inta badan gacanta kaga dhigeen tiknikadii ay ku dagaalamayeen, “marka laga reebo mid ama laba wax aan ka badnayn oo weli gacantooda ku sii hadhsan” ayuu yidhi, Ismaaciil X. Warsame, wuxuuna dagaalka ay ciidamadoodu ku qaadeen maleeshiyada ka soo horjeeda ku tilmaamay inuu yahay mid guul laga gaadhay oo hubka lagaga dhigay wax uu ugu yeedhay kooxaha rab-shawalayaasha ah, isaga oo intaa ku daray inuu ciidamadooda xalay gabalku ugu dhacay meel la yidhaahdo Sheerbi oo ilaa 60 KM. Dhinaca Boosaaso ka xigta magaalada Qardho, “ Ciidamadu waxay soconayaan ilaa Garoowe” ayuu yidhi agaasimaha madaxtooyadu mar aanu waydiinay inay ciidamadoodu dib ugu noqonayaan fadhiisamadii Boosaaso ee ay ka soo kicitimeen markii hore.

Dhinaca kalena warar kale oo madax banaan ayaa iyaguna tibaaxay inuu dagaalkaasi ahaa mid laxaadle, taas oo la sheegay inay ciidamada Cabdilaahi Yuusuf guluf xooggan ku qaadeen maleeshiyada ka soo horjeeda, taasina ay u saamaxday inay bilowgii ka gol roonaadaan maleeshiyada taageersan Jaamac Cali Jaamac, wuxuuna dagaalkaasi noqday mid aad looga dareemay degaamada Puntland iyo bariga Somaliland.

“Gariirka iyo sanqadha hubka waxa laga maqlayey Ceel-afweyn (Gobolka Sanaag) sidaa waxa Haatuf u sheegay nin socoto ah oo doraad markii uu dagaalku socday ka bixitimay magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag. Sidoo kale waxay wararka ka imanaya gobolka Sanaag tibaaxayaan in jiidaha bariga Somaliland si weyn looga dareemay dhaqdhaqaaqa iyo sanqadha dagaalkaa, taas oo dadka jiidaha bariga Somaliland oo uu ganacsigoodu aad ugu xidhnaa ay wer-wer ka muujiyeen xaaladda, waxayna wararku sheegeen inuu dhaqdhaqaaqa ganacsiga hakad galay ilaa labadii maal-mood ee ina dhaafay, iyadoo ay dadku naawilayaan bal waxa ay xaaladdu ku dambayso.

Madaxweyne Rayaale Oo

Magacaabay Wasaarad Iyo Wasiir Cusub

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa wasaarad cusub ku kordhiyey tirada Wasaaradaha xukuumadiisa, isla markaana waxa uu wasaaraddaa u magacaabay wasiir cusub, sidaana waxa shaaca ka qaaday war-saxaafadeed uu shalay soo saaray af-hayeenka madaxtooyada Somaliland, Cabdi Idiris Ducaale.

Wasaaradda cusub waxa la yidhaahdaa Wasaaradda horumarinta qoyska iyo arimaha bulshada, waxaana wasiir looga dhigay Marwo: Edna Aadan Ismaaciil (Edna Aadan-dhakhtar).

Sida uu sheegay war-saxaafadeedka af-hayeenku madaxweyne Rayaale waxa uu wasaaraddan cusub iyo wasiirkeedaba u cus-kaday dastuurka, ka dib markii uu tix-geliyey ah-miyadda ay qoyska iyo arimaha bulshadu leeyihiin iyo weliba waxtarka ay Qaranka u leedahay horumarintoodu.

Wasaaradda cusub ee uu madaxweyne Rayaale soo kordhiyey waxay tirada Wasaaradaha xukuumadiisa ka dhigaysaa ilaa 26 wasaaradood, isla markaana waxay golaha wasiirada ka dhigaysaa in ka badan afartan xubnood oo isugu wasiiro, wasiir-xigeenno iyo hal wasiiru-dawle.

Dhinaca kalena waa markii labaad ee haweenay Reer-Somaliland ah loo magacaabo xil wasiir-nimo ilaa iyo markii magaalada Burco lagaga dhawaaqay dawladii u horaysay ee Somaliland 1991-kii, iyadoo ay gabadhii u horaysay ee xil wasiirnimo qabatay ahayd Marwo: Deeqa Col-ujoog oo madaxweynihii geeriyooday wasiirka madaxtooyada u magacaabay xukuumadiisii u horaysay ee uu dhiso markii Boorame lagu soo doortay sannadkii 1993-kii.

Edna Aadan-dhakhtar oo ah gabadh caan ah waxay mihnadda dhakhtarnimada ka dhaxay aabeheed Aadan-dhakhtar oo ahaan jirey nin dhakhtar ah, waxayna mihnadda dhakhtarnimada ku soo jirtey muddo dheer, laakiin waxay soo qabatay shaqooyin kala duwan oo ay qaarkood hee caalami yihiin, sida hayadda caafimaadka qaramada midoobay ee WHO oo ay soo shaqaysay muddo dheer, iyadoo hayadaa hawl-gab ka gashay sannadkii 1991-kii.

Waqtigaas oo ay Edna ku soo guryo-noqotay dhulkeeda hooyo, laakiin meel iskama ay fadhiisan ee waxay kuu fooftay hawlo aadaminimo oo kala duwan oo ay dalkeeda ka qabatay, hase yeeshee marka laga hadlayno hawlaaha samafal ee ay marwo Edna ka qabatay dalkeeda waxaynu si gaar ah hoosta uga xariiqaynaa cusbataalka dhawrka dabaq ah ee ay ka qotomisay magaalada Hargeysa ee la yidhaahdo Edna-Hospital oo qaabilsan haweenka iyo dhalaanka, iyadoo uu cusbataalkaasi hadda shaqeeyo wax weyna ka taray guud daryeelka caafimaadka, gaar ahaanna dhinaca haweenka iyo dhalaanka. Marwo Edna oo ay weriyaha BBC-da u joogta Hargeysa waydiisay sida ay u aragto xilka wasiirnimo ee loo magacaabay ayaa sheegtay inay ku rajo weyn tahay inay wax badanka qaban doonto xilka loo igmaday ee horumarinta qoyska iyo arimaha bulshada.

Dhinaca kalena magacaabidda wasaaradda cusub iyo xilka wasiirnimo ee loo magacaabay marwo: Edna Aadan Ismaaciil waxa hambalyeeyey hogaanka urur-siyaasadeedka KULMIYE, taas oo gudoomiyaha ururkaas Axmed-Siilaanyo oo ku hadlaya magaca hogaanka iyo Xubnaha ururkiisa uu xalay na soo gaadhsiiyey fariin hambalyo ah oo ku waajahan wasaaradda cusub iyo gabadha loo magacaabay ee marwo Edna, isla markaana gudoomiyaha KULMIYE waxa uu talaabadaa ku hambalyeeyey madaxweyne Rayaale, isaga oo gudoomiyaha KULMIYE farta ku fiiqay mudnaanta xilka loo igmaday wasaaradda cusub iyo shakhsiyadda wasiirka looga dhigay.

Wefti Xukuumadda Somaliland Ah
Oo Socdaal Ugu Kicitimay Switzerland

Hargeysa (Haatuf): Wefti uu hogaaminayo wasiirka arimaha debedda Somaliland, Maxamed Siciid Gees, ayna ka mid yihiin wasiirka xanaanada Xoolaha, Saleebaan Yuusuf Cali-koore iyo laba xubnood oo ka kala socda rugta ganacsiga iyo wasaaradda ganacsiga ayaa shalay u baqoolay dalka Swiserland, wuxuuna socdaalkoodu ka dambeeyey martiqaad ay ka heleen hayadda samafalka caalamiga ah ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo SYS oo ka shaqaysa hubinta iyo daryeelka caafimaadka xoolaha nool iyo cuntooyinka, kana hawl gasha ilaa 160 dal oo dunida ah, waxaana la sheegay in arimaha ay hayadaa kala soo xaajoonayaan arimo la xidhiidha xoolaha Somaliland.

Wasiirka arimaha debedda Maxamed Siciid Gees oo saxaafadda u waramay intii aanay dalka ka dhoofin ayaa, isaga oo ka hadlaya ujeedada socdaalkooda waxa uu yidhi: “Waxaanu martiqaad ka helay hayadda la yidhaahdo SYS oo ay shaqadeedu tahay hubinta iyo daryeelka caafimaadka xoolaha oo ka hawl gasha 160 dal, hayadaas oo ay wada hadalo noo socdeen muddo ilaa saddex sannadood ah.” Laakiin, isaga oo ka jawaabay sababta ay hayadaa ula xidhiidheen maadaama xoolaha Somaliland hore loo cadeeyey inay caafimaad qabaan, wuxuu yidhi “Mar hadii aanay shahaadada ay wasaaradeenna caafimaadka xooluhu bixisaa dalalka debeddu aqbalayn, waayo dalkeenaba lama aqoonsan waxaanu hayadaa ka codsanay inay arintaa wax nagala qabato oo ay xoolaheenna siiso shahaado cadaynaysa inay caafimaad qabaan, taana way aqbashay, iminkana way na casuuntay”, wuxuuna Gees intaa ku daray in marka ay hayadaasi shahaadada siiso loo iib-geyn karo suuqyadii laga xayiray, waayo buu yidhi “waa hayad caalami ah oo ka hawl gasha 160 wadan” .

Wasiirka arimaha debedda, Maxamed Siciid Gees oo la waydiiyey nooca uu noqonayo heshiiska ay hayadaa la soo gelayaan waxa uu yidhi “ Waxa uu noqonayaa heshiis caalami ah oo la mid ah kii aynu la galnay shirkadda TOTAL”.

Wasiirka arimaha debedda Somaliland waxa kale oo waraysi uu hore Haatuf u siiyey ku sheegay inay qaar ka tirsan boqorada Car-beed oo hadda Swiserland ku sugan u qaybin doonaan qoraal ay kaga codsanayaan inay wax ka qabtaan xayiraadda saaran xoolaha nool.

Ururka KULMIYE Oo Dumaalay

Xafiiskii SAHAN Ku Lahaan Jiray Berbera

 

Berbera (Haatuf): Urur-siyaasadeedka KULMIYE, ayaa markii u horreysay xafiis ka furtay magaalada Dekedda ah ee Berbera.

Siduu noo soo tebiyay weriyahayaga Gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir, ururka KULMIYE wuxuu qufulka ka jabsaday dhisme markii hore ahaan jiray Xafiiska urur-siyaasadeedka SAHAN oo haatan ku sugan xaalad kala qubasho ah. Xafiiska ururka KULMIYE ee Berbera, waxaa albaabada u furay xubno sar-sare oo ka tirsan ururkaas, kuwaas oo ka tegay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Warku wuxuu intaa ku ladhay oo uu sheegay in ururka KULMIYE, ka bilaabay magaalada Berbera diiwaan-gelinta xubnaha ururkaas ee deegaanka Gobolka Saaxil. Dhinaca kale, ururka UDUB, ayaa isna ka wada deegaankaas olole ka tiqo-doon ah, waxaana maalmahanba galaa-baxayay degsiimooyinka jiidaas, weftiyo ururka UDUB ee gobolkaas ka tirsan.

Masuul: Ha Dhibsan Saxaafadda

 Haddii Ay Wax U Qori Waydo Sidaad Rabtay

Faallo: Cumar Daahir Cumar.

Qoraalada dunida ee laga qoray sifaha horumarinta bulshooyinka adduunka waxay ka dhigayaan saxaafada inay tahay tiirka afraad ee horumarka ummadda laga maarmaanka u ah.

Marka la dhuuxo sababaha keenay in saxaafadu noqoto baal ka mid ah baalasha ay ku duulaan ummadaha dhab ahaan u qaabilay jidka dadkooda iyo dalkooda waxay tahay saxaafadu ay iftiimiso dhaliilaha jira ee dhinac walba leh, marka ay tilmaanto kolba amaan ama ceeb wixii ay mutaystaan hay’addaha, iyo masuuliyiintu. Waxaase muhiima in saxaafadu ay ka fog tahay dano gaara oo ku lamaan tilmaamaheeda iyo dhaliilaha waxaan aheyn danta guud. Waa lagama maarmaan in saxaafadu ay howlaheedu noqdaan kuwa raali galiya aqlabiyada ummadeeda iyo Caalamka kaleba oo leh sifo run ku salaysan, marka la eego arrintan waxay saxaafadu marka loogu hawl galo sida saxa noqonaysa meel laga dheehan karo dhacdooyinka iyo habsocodka nolosha bulshada kolba dhinaca ay u jihaysan tahay, balse waxaan habooneyn oo ka baxsan in shuruucda qofka lagu colaadsado fikir qoraal oo uu bandhigay, haddii aanu lahayn gef sharciyeed.

Marka la isku jamciyo sababo badan ayaa waxaa ka muuqata masuuliyiinta qaarkood in ay rumaysanyihiin masuuliyadda ay hayaan awgeed in dhacdooyinka iyo waxyaale kale oo khuseeya hayadiisa ama hayad kale oo dawladda ah in uu qalbigiisu siiyo haddanay saxaafaddu wax u odhan sida laabtiisa ku jirta ama aaney u qorin Qoraalka sida ay maskaxdiisu rabto in uu arrinku khaldan yahay, xaqiiqduse waxay tahay in marka la eego koritaanka jacaylka xorriyada hadalka, ee dadka reer Somaliland ee xiligan aanay suurtagalba aheyn in ay xiiso yeelato nooc saxaafadeed oo wax u qora sidii wax loo qori jiray maamuladdii lidka ku ahaa xorriyatul qawlka iyo nolosha runta ku saleysanba.

Si ay Somaliland u gaadho horumar, waxaa lagama maarmaan ah in ay kobocdo kaalinta saxaafada xorta ah, weliba waxaa waajiba in masuuliyiinta, iyo mawaadiniintuba ay taageeraan mar haddii ay taageerayso danaha guud. Xataa haddii ay lumeyso dantii shakhsiyeed ee qofku. Muhiimadan ummadeed ee saxaafadda marka laga reebo qoraalada iyo fikiradaha ay ku bandhigaan suxufiyiinta xilligaa ka hawlgala saxaafaddu waxaa iyana muhiima sida ay u tahay halka ugu muhiimsan ee shacbi weynaha reer Somaliland ku gudbiyaan aragtiyadooda, dhaliilaha, amaanta talooyinka, tabashooyinka, arrimahaas oo dhammaantood ay saxaafaddu bandhigto si ay dadweynuhu uga warhelaan ama dawladdu ay wax uga qabato. Waxaa dhacda in saxaafaddu ay noqoto halka uu aaraadiisa ku soo bandhigo masuul markuu xilka hayay aan u calool-fayoobaan jirin sida ay saxaafadu u aragtay dhacdo khusaysay masuuliyadiisa ama Xukuumadda uu ka tirsanyahayba. Mawduucan ma aha in saxaafaddu aanay khalad gali karin, haddii ay saxaafaddu khalad gasho waxa ay ula simantahay sharciga hayadaha kale ee dalka ka jira, waanu qabanayaa.

Dhiirigalinta saxaafadda xorta ah ee Somaliland waa arrin laga taageerayo hanaan horumar oo ay hiigsanayso Somaliland.

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Dalku Wuxuu Xamilli Karaa Wasaaraddo Tiro-Yar Oo Tayo Leh

Tan iyo markii lagaga dhawaaqay magaalada Burco, la soo noqoshada Qaran-nimada Somaliland 18 May, 1991, ilaa wakhtigan xaadirka ah, waa markii labaad ee Haweenka laga qayb-geliyo xilalka sar-sare ee hoggaaminta talada dalka. Sannadkii 1993-kii, ayaa markii u horreysay Madaxweynihii geeriyooday Maxamed X. Ibraahim Cigaal u magacaabay xil wasiirnimo, Marwo Deeqa Col-u-joog oo ka mid ah haweenka aqoonyahanka ah, waxaanay noqotay Wasiirka Madaxtooyada, xilkaas oo ay haysay in muddo ah.

Inkasta oo wakhti ka soo wareegay xilligaas, haddana mar kale ayay haweenku ka dhex muuqanayaan Golaha Wasiirada, kadib markii Madaxweyne Rayaale shalay soo saaray magacaabista Wasiir cusub oo haweenay ah, taas oo ah Dr. Edna Aadan oo qabanaysa xilka Wasaarad cusub oo lagu magacaabo; “Wasaarada Horumarinta Qoyska iyo Arrimaha Bulshada,” taas oo isla shalay uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay dhismaheeda.

Intaas ka sokow, haddii aan hoos ugu sii daadegno dullucda badheedhahan, dhismaha Wasaaradan cusub ee arrimaha qoysku waxay ka dhigaysaa tirada Wasaaradaha Xukuumadda Somaliland, ilaa 26-Wasaaradood, tirada Golaha Wasiiraduna waxay caga-cagaynayaan afartan iyo wax la jira, marka lagu daro Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo hadda ku biirtay. Tiradaas kuma jiraan Agaasimayaasha Guud ee waa xubnaha Golaha Wasiirada (Wasiir, Wasiir Ku-xigeen iyo Wasiiru-dawle) oo keli ah, taasi waxay muujinaysaa in ay xad dhaaf yihiin tirada Golaha Wasiirada iyo ta wasaaraduhu-ba, isla markaana waxaan lays-diidsiin karin in ay tahay mid aanu dalku qaadi karin, dhinac kasta oo laga eegaba. Sidaas daraadeed, waxaa muuqata in an loo baahnayn wasaarad hor leh oo tirada uun kordhisa iyo sidoo kale wasiir cusub oo sii dul-buuxiya tirada karraar dhaaftay ee Golaha Xukuumadda.

Hase yeeshee, Wasaaradda cusub ee Horumarinta Qoysku taa ma geydo ee waa mid loo baahnaa, waana mid la odhan karo Madaxweyne Rayaale, wuxuu asiibay dhismaheeda. Sidoo kale, marka la eego shakhsiyadda Dr. Edna Aadan ee uu Madaxweynuhu doortay qabashada xilka Wasiir-nimo ee muuqata in ay iyana tahay xulasho muhiim ah oo uu ku tallaabsaday Mr. Rayaale, kuna soo doortay qof magac weyn ku leh taariikhda iyo dhismaha waddankan.

Dhinac kale marka layska taagana, waxay u muuqataa tallaabadani mid astaan u ah jidkii xulka. Waxa kale oo iyana xusideeda muddan, mid meesha le’egna ah in haweenka wax laga siiyo xilalka sar-sare ee talada, taas oo faa’iido Siyaasadeed oo caalami ah iyo mid bulsho-ba yeellan karta. Waayo, xilligan marka la qiimeeyo gudashada masuuliyadda qoyska, waxaa la aaminsan yahay in ay haweenku kaga horreeyaan ragga gudashada Waajibaadka qoyska, isla markaana ay nolosha qoysaska Somaliland badidoodu ku tirsan tahay wax soo saarka haweenka gudaha iyo dibaddaba. Taasina ay ka dhigtay badi haweenka qaar aabo iyo hooyo-ba u noqday qoyska maanta. Sidaa aawadeed, lama dafiri karo xaqa ay u leeyihiin gudashada waajibaadka Qaran iyo qabashada xillalka sare ee dawladda, balse waxaa haboon in markastaba xisaabta lagu darsado, waxa ay ka qabto Diinta Islaamku.

Inkastoo ay Wasaaraddan cusubi tahay, mid aad loogu baahan yahay marka la eego duruufaha ku gedfan qoyska maanta, haddana marka dhankastaba layska taago qodobkan, suurraynta qallinku waxay ku gudhay, haddii aan la yaraynin tirada Wasaaradaha, in wasaaraddan cusubi ay noqon doonto uun mid tiro ahaan u taagan, balse aan tayo lahayn. Sidaa aawadeed, waxa haboon in tirada Wasaaradaha lagu koobo dhawr iyo Toban, laysuguna gee-geeyo Wasaaraddo badan oo hadda magac u yaal ah oo ay khasaare ku tahay miisaaniyadda loo qoondeeyay, taas oo la rumaysan yahay in ay ku dhacdo jeebka xubnaha Wasiiradda ka ah wasaaradahaas, isla markaana la yareeyo tiradan xad-dhaafka ah ee Golaha Wasiiradda oo lagu koobo tiro yar oo xul ah. Waayo, dalku ma qaadi karo dhaqaale ahaan, Wasaaraddo iyo wasiiro badan, ee wuxuu xamilli karaa Wasaaraddo iyo Wasiiro tiro yar oo xul ah, sida Dhakhtaradan shalay xilka Wasiirnimo loo magacaabay oo kale.

WARARKA CAALAMKA

Hawl-Wadeeno Lagu Afduubay Koonfurta Suudaan Oo La Sii Daayay

Nairobi (W. Wararka): Koox hubeysan ayaa Koonfurta Sudan ka qafaashay laba qof oo ahaa hawl-wadeenada hay’adaha samofalka kana tirsan hay’adda World Version ayaa sii daayay dabayaaqadii toddobaadkii hore, shaqaalihii ay qafaasheen.

Ekken Hard oo 31 jir ah una dhashay Jarmalka iyo Andrew Omwengo oo Kiiniya u dhashay ayaa ahaa 2 shaqaalaha ah ee la sii daayay.

Labada shaqaalaha ah waxaa laga qafaashay xarun caafimaad oo ku taala Waat oo u jirta 820km caasimadda Khartoum kuna taala Koonfurta Sudan gobolka loo yaqaan niilka sare (upper nile). Hayadda world version ee ay labadaa hawl wadeen u shaqaynayeen waxay sheegtay in xaaladooda iyo sida loola dhaqmayba ay wanaagsaneyd intii ay maleeshiyadu haysay. Nin kale oo 44 jir ahaa oo isla hayada world version Mr. Charles Kibbe ayaa isaga lagu dilay isla aagaa, weli ma cadda haybta maleeshiyada qafaalashada iyo dilka ka samaysay koonfurta Sudan, hase yeeshee waxaa laga soo xigtay nin weyn oo u shaqeeya hayada samafalka ee koonfurta Sudan in ay falalkaas geysteen malayshiyo ay dawladda Sudan taageerto oo degan Nuer.

Bishii hore ayaa lagu dhawaaqay heshiis nuxurkiisu ahaa in 6-sannadood kadib, afti laga qaado dadka Koonfur Suudaan ku dhaqan ee taageerra mucaaridka hubaysan ee dagaalka kula jira Xukuumadda Khartuum, wixii muddadaa ka horeeyana aan lagu dhaqin xeerarka shuruucda Islaamka dadka ku dhaqan Koonfurta Suudaan, laakiin weli dagaalo ayaa ka socda halkaas.

Askar Ka Falaagowday Ciidamada Nayjar Oo

 Dalbaday In Ay La Kulmaan Ra’iisal Wasaaraha Nayjar

 

Niamey (W. Wararka): Askar ka falaagowday Ciidamada Nayjar oo joogta Koonfur bari ee dalkaasi   ayaa sheegay inay ogolyihiin in ay wada hadalo la galaan dawladda dalka Nayjar, laakiin aanay diyaar u aheyn inay is-dhiibaan. Dawladda Nayjar, ayaa ciidamo wata hub culus u dirtay gobolka ay joogaan Askartaa falaagowday.

Goob u jirta Caasimadda Nayjar ee Niamey 1,000km (625miles), kana xigta dhinaca bari ayaa maalintii saddexaad ay ciidamadu ku hor fadhiyaan Ciidamada falaagoobay si ay hubka uga dhigaan. Magaalada Diffa ee Nayjar wuxuu af hayeen u hadlay Ciidamada falaagoobay u sheegay in falka ay ku kaceen maalintii Arbacadii ay ujeedadiisu tahay in la wanaajiyo xaaladda nololeed ee ay ku nool yihiin askartu laakiin aanay ahayn fal-siyaasiya, waxaanay codsadeen saddex arrimood in loo fuliyo 3 arrimood oo kala ah mushaharkoodii ka habsaamay in la siiyo, in la eryo Abaanduulaha Ciidamada dalkaa iyo in ay la kulmaan Ra’iisal Wasaaraha Nayjar, Mr. Hama Amadou.

Xoghayaha Gaashaadhiga Ee Maraykanka Oo Sheegay In Ay Xoojinayaa Weerarada Al-Qaa’ida

Washington post

 

Xoghayaha Gaashaandhiga ee Maraykanka Donald Rumsfeld ayaa maalintii Jimcihii sheegay in diyaaradaha Maraykanka iyo ciidamadoodu ay weeraro cusub ku qaadayaan xubnaha ururka Al-qaacida.

Mr. Rumsfeld waxa uu maalintii jicihii la shiray taliyayaasha Ciidamada Maraykanka si uu u go’aamiyo istaraatiijida cusub ee ay Ciidamada Maraykanku ku dardargalinayaan weeraradda ay ku hayeen Al-Qaacida oo haatan socda (10) bilood.

Howlgalkii Milatari ee Ciidamada Maraykanku wuxuu u baahanyahay in Congress-ka Maraykanku uu ansixiyo si fulintiisa loogu dhaqaaqo.

Jariiradda Washington post ayaa sheegtay, in taliyayaasha Ciidamada Maraykanka ee uu jimcihii la shiray Rumsfeld ay ku taliyeen, in ay weerarkaas ka qaybgalaan Ciidamada badda ee komaandooska ah iyo kuwa sida gaara u tababaran ee Maraykanku waxay udub dhexaad u ahaayeen weerarada xulufada uu Maraykanku hogaaminiyaa ay ku qaadeen Al-qaacida iyo Daalibaan, laakiin intooda badan waxay dib ugu noqdeen dalkoodii, ka dib markii ay kaalintoodii buuxiyeen ciidamo kale.

Jariidada New York Times ayaa sheegtay Jimcihii in Mr. Rumsfeld oo doonaya inuu magacaabo saraakiil shiciba oo warbixin uga keenta howlgalkan Milatari si uu maamulka gulufkan cusub uu gacanta ugu hayo.

Haweenayda iyadu Afhayeenka u ah guriga Pentagon ee looga taliyo gaashaandhiga Maraykanka ayaa iyadu ka gaabsatay in ay ka waranto kulan jimcihii dhexmaray Xoghayaha gaashaandhiga ee Maraykanka iyo taliyayaashiisa Ciidamada waxaanay tidhi Victoria Clarke “Mar walba waxaa naga horyimaada arrimo aan dhinaca wanaagsan u socon, laakiin anaga mar walba waxaanu u heelanahay sidii aanu kor ugu qaadi lahayn awoodayada wax qabad”

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Waan Kuu Hayaaye Hoo!

Gobolka Awdal wadaadada ku nool 10% uma socdaan sidii toosnayd, 90% waa culumo caafimaad qabta. 5% waxay tubta toosan ka leexatay waqtigii kacaanka la odhan jiray, waxayna ahaan jireen Dadka hoos loogu shaqaysto. Waxay fadhiyo ku lahaayeen Boorama, Hargeysa, iyo Muqdisho dhamaantood waxay wax ka sheegi jireen Dadka reer Somaliland. Waana raggii ay dawladdu ku fullin jirtay diktayshanka ka dhaca Boorama iyo Hargeysa. Waxa dhacday ragga culumo ah oo kitaab u akhriyaya ardaydoodii oo haddana wax ka sheegaya. Waxay u tegi jireen Gudoomiyayaasha Gobolladda Habeenkii labada saac waxayna u baxsheen Shimbir; waxay subaxdii odhan jireen waxa uu xalay sheegay shimbir in ay jirto arrinta sidaas ahi. Waxa sidaa ka marag ah Gudoomiyayaashii xilligaasi iyo dad badan oo xogogaal ah. Nasiib darro markii ay Somaliland, curatay 5% waxay ka dhigtay shaqaale, markii hore way qarsoonaayeene imika waxay noqdeen shaqaale muuqda. Haddaba iyagii waxay samaysteen 2% bulshada ah oo loo yaqaano “Awliyada” fuliyana kolba wixii ay iyagu doonayaan kutubtii waxay u adeegsadaan in ay ku xoojiyaan beenta ay dadka la dhexsocdaan iyo in ay dawladda kaga helaan wixii ay ku mustafayn lahaayeen Awliyada waxa kale oo ay adeegsadaan wax sharciga ka baxsan.

3% waxay u adeegsadaan la dagaalanka mad-habka, shaaficiyadda. Waxayna ku dadaalayaan in ay ummadda ka leexiyaan Mad-habkii ay ku dhaqmi jireen.

Marna ma sheegtaan Mad-habka ay haystaan. Ducadda daaya, Bisinka gooya IWM ayay ku mashquuliyaan dhallinyarta soo kacaysa sida dhabta ah dadkani ma aha dad gobolka laga yaqaanay, waa dad Somaliland keentay, waa in la helo dawlad ku qaada Dambiyaddii ay galeen, kana joojisa dadka ay marin habaabiyaan si aanu xaalku u noqon, waan kuu hayaaye hoo.

Jaamac Xaddi Obsiiye, Boorama.

Waxaan Ku Faraxsanahay Mashruuca Biyo Balaadhinta Ee Boorama

Horaantii sagaashamaadkii ayay UNICEF biyo galin ku samaysay magaalada Boorama iyada oo adeegsanaysa adeegyadii biyaha ee burburay sida kaydkii biyaha dhuumihii xidhiidhinayay, ceelasha Dhamuug, magaalada iyo waxyaabo kale, kuwaas oo dhammaantood burburay. UNICEF waxay ku guulaysatay inay samayso meelo laga dhaansado biyaha, kuwaas oo ka qaaday biyo la’aantii qaybo badan oo magaalada ah, hase yeeshee xaafadaha fog-fog ee Koonfurta, K/Galbeed iyo xaafadaha Galbeedka umay suuroobin inay helaan biyahaas. Sidaa daraadeed waxaanu ku faraxsanahay Mashruuca biyo balaadhinta ee Boorame oo dhawaan la bilaabay. Mashruucan oo Hay’ad Maraykanka ahi ugu deeqday Gobolka Awdal, waa mashruucii ugu waynaa ee soo mara Gobolka Awdal hayadaasi waxay soo marisay UNICEF  waananu ugu hambalyaynaa mucaawimadda ay noo keentay, sidoo kale waan ku boorinayaa NGO-yadda qaatay, wajiyada hore ee mashruucan inay si xilkasnimo ah u gutaan shaqadooda, oo ay wada shaqayn isku kalsooni midnimo iyo dadaal dheeraada ay kaga soo baxaan howshaas ballaadhan ee ay masuuliyadooda qaadeen. Ugu danbayn waxaan dadweynaha Reer Boorame iyo Maamulka Gobolka Awdal iyo Degmadaba u soo jeedinayaa inay dhiiri galiyaan dhamaystirka mashruucan.

Yuusuf Daahir Geelle. Boorame.

Ma Cashuur Baa Mise Waa Dhac Badheedha

Haddaanu nahay ganacsatada u dhalatay Somaliland kana shaqaysata dalka gudihiisa waxa aanu aad uga cabanaynaa waddada u dhaxaysa Burco iyo Laas-caanood. Waddadaas oo aanu kala kulano dhib aan yarayn oo xaga kaantaroolada iyo amniga kaleba, kaantarooladaas oo isu-jir-jira masaafo ka yar 30km oo kaantaroolkiiba la arko mid doonaya Cashuur iyo birqaad iyo waliba hanjabaad noo dheer oo wax u dhimi kara wadajirka iyo midnimadda Somaliland haddaanu nahay ganacsatada iyo gaadiidleyda ka shaqaysata dalka gudihiisa, waa sidee xalka dalku marka aad tagtid galbeedka Somaliland adiga oo ka tegey Burco waxaad dareemaysaa raaxo badan oo la xidhiidha safarkaaga arkina maysid kaantarool ku weydiiya waxaan ahayn interigii badeecada aad sidato haday  ahayd “local” ka ugu badan ee wax ku weydiista waa kan aad siiso 1,000 kun Somaliland ah, ama intaad u diido si degdeg ah birta kaaga qaada, taasina waxay ka turjumaysaa midayntii la mideeyay cashuurihii beriga iyo dawladda hoose.

Haddaba waa sidee bariga Burco markaad ka dhaqaaqdo Burco adiga oo u socda Laas-caanood? Dawladda hoose ee Burco waxay kugu cashuuraysaa Yiroowe, waxayna kuu goyneysaa warqada transitka ama jidmarka, qofba sida uu u yaqaan marka aad socoto 30km, waxaad gaadhaysaa Ina Dhakool oo kaa qaadaya Cashuur labaad oo ah degmada qoryaale. Marka aad socoto wax ka yar 20km waxaad gaadheysaa magaalo yar oo loo yaqaan inafmadoobe iyana waxay ka qaadaysaa waxay ula bexeen birqaad oo ah Cashuur maldahan haddii ay kaa waayaana kusii dayn maayaan adigoo dhammaan sita waraaqihii jidmarka ama cashuurta. Markaad waxyar socoto waxaad gaadhaysaa kirrir, iyana waxay kaa qaadaysaa waxay ula bexeen birqaad.

Wadaamo-goo oo ku xigtana waa sidaa si le’eeg, weliba baabuurtu waxay kala kulantaa Hanjabaad marka aad wax yar socotana waxaad gaadhaysaa degmada Caynabo iyana si naxariis darro ah ayay kaga qaadeysaa Cashuur xad-dhaaf ah waxaad is odhanaysaa waxba maadan socon marka aad gaadho Oog, iyana waxay dooneysaa waxay ula bexeen birqaad boolis, marka aad Oog ka dhaqaaqdo waxa ku geleysa cabsi hor leh oo aan kugu jirin waayo waxaad bilaabeysaa meel kayn ah oo u dhaxaysa Oog iyo Guumeys oo aadan garanayn cidku dishay iyo cid ku dhacday iyo ciidan aad aragto toona, haddii Illaahay kaa badbaadiyo waxaad gelaysaa Guumeys oo leh ugu yaraan labo kaantarool taas oo ka turjumaysa fowdada ka jirta halkaas in yar markaad socoto waxaad gelaysaa Yagoori oo iyana Cashuur dooneysa, waxaad si deg-deg u tagaysaa adhicadeeye oo beryahan danbe noqotay meel aanay ku nabad gelin dadka musaafiriinta ah oo cabsi lagu maro, waxaa ku xigta Can-jiid oo ah saddex buul iyo Buundo oo ku yaal kaantaroolkii lamagacbaxay gadh-ninkale side oo hada ku xidhan xabsiga Burco isaga oo ay soo xidheen ehelkiisa oo ay kartay dhibta uu geystay.

Maantana waxay sida badan dhaantaa sidii ay meeshaasi beri ahaan jirtay, inyar ka bacdi waxaad gelaysaa Laas-caanood oo leh laba kaantarool midka galbeedka soo xiga badana lagalama kulmo wax dhib ah, oo haddaad wax siisana wuu kaa qaadi haddaadan wax-siina wuu kaa qaadi, laakiin meesha lagu ba’ay waa kaantaroolka shishe, halkaas oo noqotay goobta dhaca iyo dilka. Gebagebadii Haddaba dalku wuxuu leeyahay Ciidan milatari iyo boolis, labaduba awood u leh wax ka qabashada falalka budhcadnimo ee Maxaa dhacay? Waxaa degen Guumeys Ciidan S/land ah kaasoo awood u leh safaynta budhcadda iyo Jid-gooyadda waxaa kaloo jira ciidamo jooga Laas-caanood oo leh milatari iyo boolis labadaba kaas oo la odhan karo dhib mooyee dalka dheef uma laha waayo? Waxa ku baxa bajad badan arrimihii loo id-madayna waa kuwaa ay dadku ka muujiyeen cabashooyinka aan la soo koobi karin.

Haddaba waxaanu ka codsanaynaa dawladda dhexe inay soo faro-galiso arrimaha Bariga Somaliland oo ka bilowdo dhulka maamulku ka jiro oo lagu sameeyo toosin lana baabi’iyo kaantaroolada tirada badan ee mid la arkaa doonayo Cashuur iyo birqaadka, maadaama aan nidaamku ka jirin. Si tartiiba ah loo fahansiiyo waxa ay tahay dawladnimo iyo nidaam iyada oo la wacyi gelinayo dadka lana dareensiiyo in Ciidanku wado dantooda  Booliskuna yahay adeegaha bulshada, loona diro dad aqoon u leh wacyi gelinta dadka oo adeegsada aqoon iyo dulqaad oo aan laga didin loona moodin kuwa leh dan gaar ah.

Waxaanu aad u rajaynaynaa in dawladda dhexe wax ka qaban doonto tabashooyinka ka imanaya bariga dalka.

Ganacsatada

1.       Aaden Cali Maxamed

2.       Siciid Cali Galaydh

3.       C/llaahi Daahir Gis

4.       Axmed Maxamed Ibraahim

5.       Xusseen Cali Shire

6.       Xasan Waqle

7.       Iyo Gaadiidleyda oo kala ah

8.       C/llaahi Nadiif

9.       C/Fataax Cumar

10.    C/llaahi Faarax

11.    Saleebaan Saalax

12.    Faarax Cawl.

Burco Iyo Laas-caanood

Maxaad Ku Ilawdeen Labadii Idinku Liitay Reer Burcow?

Halkan waxaan idiinku soo gudbinayaa aragtida ku saabsan dhibanaha dhintay iyo ka dhiman (Waalan), waxaa jira in dadka dhinta ee reer Burco aan loo hayn meel lagu aaso, idinkuna taas waad wada ogtihiin oo nin ay ka qarsoon tahay ma jirto

Sidaa daraadeed reer Burcow, waxaa loo baahan yahay in aad ka fekertaan dadkaa meeshii lagu aasi lahaa, waayo magaalada afarteeda jiho meel walba qof baa sheeganaya, idinka laftiina ku xisaabtama meeshii layidinku aasi lahaa.

Qodobka labaad ee meesha yaalla waxaa weeye reer burcow dadka maskaxda wax ka qabaa nolosha ay ku nool yihiin intiina caafimaadka qabtaa, inta maskaxda wax ka qaba ayaad ku halaynaysaan, ma ka fakerteen dadka xanuunsanaya ee suuqa Faraha iskula hadlaya, waxaan leeyahay reer Burcow dadkaa aan wax u qabano, xilkuna wuxuu saaran yahay inteena miyirka qabta, waxaan qabaa in haddii aynu dedaalno oo aynu Eebbe la kaashano aynu ka adag nahay hawshaas, waxaan ku talin lahaa inaynu u dhisno Cisbitaal lagu xanaaneeyo.

Nuur Kaarshe Bidaar (Dan Burco), Burco

FAHAMKA CAAFIMAADKA

Cumar Daahir Cumar

Ka-Hortaggaa Ka Wanaagsan, Ee Tallaal Carruurtaada

Cudurada dilaaga ahi dunida way ku badan yihiin, Somaliland-na waxa ay ka mid tahay dalalka heerkooda talaal mid aad u hooseeyo yahay. Xarumaha xannaanada hooyada iyo carruurta MCH, waxa si joogto ah uga socda oo laga helaa lixda cudur ee dilaaga ah. Caruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano waxa loo sameeyaa olole talaal, si intooda badan loo talaalo.

QAAXADA (TB)

Dad laba bilyan gaadhaya ayuu cudurkan oo badanaa sambabada ku dhaca, waxa kale oo uu cudurkani ku dhacaa lafaha, xaglaha iyo maskaxda. Cudurkani oo da’ kasta ku dhaca waxa ugu nugul carruurta 3-jir ka yar iyo kuwa fayriska HIV/AIDS uu awooda jidhkooda liciifiyay.

TB-da waxa laysku qaadsiiyaa neefsashada, wuxuna ku fidaa meelaha ay ku nool yihiin dad badan oo ay nafaqo-darro hayso, daryeel caafimaadna aan haysan. Xakamaynta cudurkani waa iyada oo daawadiisa si joogto ah ugu yaraan 6 bilood qaato.

Kahortagga ugu wanaagsani waa carruurta oo sannadka ugu horraysa talaalka BCG laga siiyo maqaarka.

GAWRACATADA

Cudurkan oo da’ kasta ku dhaco waxa uu u badan yahay carruurta 15-jir ka yar ee aan ka tallaalayn. Qarnigii 20-aad dabayaqaadasii ama 80-kii, waxa uu si xoog leh ugu faafay bariga Yurub iyo badhtamaha Aasiya, wuxuuna ka dhashaa jeermiska Corn-bacterium Diphtheria oo sameeya sun wax-yeelaysa jidhka.

Gawracatadu waxa ay leedahay cuna-xanuun, xumad iyo rabitaanka cuntada oo qofka ka yaraada. Qofka uu ku dhaco hadduu xuub ka samaysmo cunaha iyo xoqodaha korkooda, dhiigna ay yeeshaan xuubkaa cunaha ku dhaga, waxa suurogal ah in qofku bogsado ama uu dhinto 6-10 maalmood gudahood.

Gawracatadu waxa ay ku fidaa bulshada aan lahayn barnaamij talaal oo heer sare ah, sida ugu wanaagsan ee ilmaha loga badbaadin karaana waa, iyada oo la tallaalo ilmaha inta u dhaxaysa 40 habeen ilaa 3 bilood uu gaadhayo. Tallaalka saddexdan DPT waa inloo kala dhaxaysiiyaa bil, iyada oo laga tallaalayo muruqa.

DABAYSHA (POLIO)

Dabayshu waa cudur naafeeya, ku dhici kara qaan-gaadhka. Hase ahaatee ku badan carruurta, wuxuuna ka dhashaa fayras cuntada amaba biyo wasakh ah oo la cabo. Hay’adda caafimaadka adduunka WHO waxa ay ku talo-jirtaa in ay dunida ka tirtirto sannadka 2005.

Cudurkan oo lagu kala qaado hindhisada iyo qufaca wuxuu si hawl-yar ugu faafaa meelaha nadaafad-daradu ka jirto. Dad badan oo cudurka qaba ayaa faafiya, iyaga oo aan u bukoon, waxaana loo badiyaa in 100% hal qof uu u naafoobo dabaysha oo xummad, shuban, madax-xannuun iyo calool-xanuun leh. Waxyeeladiisa siyaabo kala duwan ayaa looga bogsadaa.

Polio dawo ma laha. Awooda difaac oo uu ilmuhu ku dhashaana waxay ku filan tahay 2 ilaa 3 bilod inta u dhaxaysa. Qofka uu ku dhacaa waa ka-bax. Cudurkan difaaca ugu wanaagsan ee carruurta la siin karaa waa iyada oo tallaalka dabaysha ee OPV afka laga siiyo.

KIX AMA XIIQ

Cudurkan kixda oo ka dhasha Bordetelle Pertussis oo ku nool afka, sanka iyo cunaha waxa uu hayaa carurta uu ku dhaco oo u badan kuwa aan la tallaalin 4 ilaa 8 bilood. Waxa u nugul kixda caruurta hal sano ka yar, waxaana lagu kala qaadaa qufaca iyo hindhisada.

Sannadkii 1955-kii waxa ay kixdu haysay 40 milyan oo qof. Inkasta oo tirada dadka ay ku dhacdaa sannadba sanadka ka dambeeya ay sii yaraanayso. Waxa dalalka qaar u dhaqana in 3-dii ama shantii sannaba ay tallaal guud sameeyaan.

Cudurkan oo ilaa laba bilood iyo badh haya carruurtuu ku dhaco, waxa ay dhibaatadiisu badan tahay; dhimasho, neef-qabatow, fuuq-bax habeenkii qofka qabta iyo rabitaanka cunto oo yaraada ayuu leeyahay. Inkasta oo la daaweyn karo jeermiska uu ka dhasho waxa ugu wanaagsan in la siiyo carruurta tallaalka saddexan oo uu la wadaago gawracatada iyo teelanada. Difaac lama dhasho ee tallaal ilmahaaga.

TEETANO

Teetanadu waa cudur qombojiya jidhka, noocisa ugu halista badinina waa ka ku dhaca ilmaha marka u dhasho, waxaana loo yaqaanaa NEONATAL. Sannad kasta waxa uu ku dhacaa carruur tiradoodu u dhaxayso 500,000 ilaa 1,000,000.

Cudurkan lama kala qaado ee wuxuu ku dhacaa qofka marka ay bir daxalaysatay mudo, sarto ama dhaawacdo iyo marka xayawaan qaniino. Ilmuhu wuxuu qaadaa haddii mindi ama makiinad wasakh ah ama daxal leh loo adeegsado marka uu dhalanayo ama meel aan nadiif ahayn xuddunta lagaga jaro ama lagu gudo.

Teetanadu ka-bax ma leh. Qof kasta ayay ku dhici kartaa, waana la daaweyn karaa. Kahortagga ugu wanaagsanina waa tallaalka haweenka qaan-gaadhka ah iyo sugidda nadaafada meesha lagu dhalo.

JADEECADA

Jadeecada sannad walba wxa u dhinta carruur tiradoodu gaadhayso 800,000. tiradanina waa ka badh inta u dhimata cudurada tallaal lagaga hortegi karo.

Jadeecada 1995-kii waxa u dhintay carruur lagu qiyaasay 1,000,000 (hal milyan), wuxuuna qofka uu ku dhaco carruur iyo qaan-gaadh-ba kaga tagaa raad xun. Cudurka jadeecada waxa lagu kala qaadaa taabashada, qufaca iyo hindhisada.

Difaaca ugu wanaagsan ee cudurkan dilaaga ahi waa tallaal ee aabo iyo hooyo kahortagaa ka wanaagsan daaweynta ee tallaal ilmahaaga.

La soco…….

Faafidda Cudurada Iyo Faa’iidada Talaalka (Vaccination)

 

Safarada dadka, qaxootiga, dhoofinta iyo soo dejinta ganacsiga ee dadka ku nool dunidu ay sameeyaan iyo alaabooyinka u kala goosha dadka ganacsiga la socda ayaa inta badan la rumaysan yahay in ay qayb weyn ka qaateen faafida cudurada la is-qaadsiiyo ee dunida aadka ugu faafay. Laakiin taasi maaha mid ay dadkaasi ku talo-galeen ee waa arrin sideeda isaga dhacday.

Qaxootiyadii u horreeyay ee Yurub ka qaxay una qaxay Ameerika ayaa qaaradda cusub geeyay cuduro badan oo aany hore u arag dadkii Hindida Maraykanka ahayd ee u dhashay qaaradda Ameerika, waxaana kuwaa ka mid ahaa cudurka Furuqa iyo Jadeecada. Xannuunadaasi waxay ka dileen dadkii dhaladka u ahaa Ameerika ee loo yaqaanay Hindida Cas-cas tiro farabadan.

Qabaa’ilka qaarkoodna way ku le’deen.

Si looga hortago cuduradaa, waxa kaalin weyn ka qaatay tallaalada ka hortagga cudurada oo lagula dagaalamo faafida cudurada ee waxyeelada u leh dadka.

Qarnigii 18aad ayaa markii ugu horraysay dunida la isticmaalay tallaalka kahortagga (Vaccination). Waxaana xilligaa soo saaray tallaalkii u horreeyay nin lagu magacaabo jiray Edward Jenner, oo ahaa dhakhtar cudurada guud ah (Physician) oo u dhashay Britain.

Edward Jenner tallaalka uu soo saaray xilligaa waxa uu ahaa mid lagula dagaalamo cudurka furuqa faafiddiisa.

Xiligaa dad badan ayaa caabiyay sidii uu u hirgeli lahaa tallaalka furuqu, aqoon la’aan iyo is-talaalista oo cusbayd awgeed.

Laakiin talaalka furuqu wuxuu keenay guul laga gaadhay joojinta iyo dabar-goynta cudurka furuqa.

Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) warbixinteedii sannadkii 1975, waxay ku sheegtay in dunida ay cudurkaa qabaan (500) shan boqol oo qof oo keli ah. Taa waxaa ku xigtay WHO oo sheegtay sannadkii 1978 in ay ka tallaashay qofkii ugu dambeeyay dunida ee qabay cudurka furuqa, qofkaas oo ahaa Somali, taas oo soo af-jartay mudo dheer oo uu cudurka furuqu ahaa xannuunada waaweyn ee ay dadku aadka ugu le’daan.

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Natiijooyinka Billadaha Tartanka Barwaao-Sooranka

Manchester (Reuters) – Tartanka ciyaaraha waddamada Barwaaqo-sooranka oo hadda si toos ah uga socda magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa gaadhay marxalad gebo-gebo ku dhow, waxaana la filayaa inuu xidhmayo habeenimada Arbacada soo socota.

Wadanka England ee martida loo yahay ayaa helay fursaddii ugu fiicnayd ee muddo sanado ah soo marta, kadib markii orodyahanadiisii habeen keliya ku guulaysteen lix billadood oo dahab ah. Fursaddaasi waxay ilawsiisay cadho ay taageerayaashu kala hoydeen lix habeen oo dhabano-hays ah.

Billadaha ay sida lama filaanka ah ugu guulaysteen waxaa ka mid ah orodka ragga ee qori dhiibka oo kala ah afarta min boqolka mitir ah (4x100m) iyo afarta min afarta boqol ah (4x400m).

Billadaha keli-kelida ahna waxaa ku guulaystay Steve Backley, Ashia Hansen oo ku guulaystay orodka ay weheliso saddex-boodku, Mike East iyo Kelly Holmes-na waxay ku guulaysteen 15,00m.

Guusha uu dalka England ka gaadhay tartanka waxay keentay in uu kaalinta labaad ka galo kala-saraynta billadaha ilaa hadda la qaatay, wuxuuna leeyahay 127 billadood oo isugu jira 46 dahab, 38 qalin iyo 43 maar ah. Waxaana kaalinta koowaad ku jira oo ka horreeya Australia oo leh 153 tirada guud.

Hayaanka Ronaldo, Hambabarka Inter Iyo Haab-Haabashada Real

Madrid (AP) – Xiddiga koobka adduunke ee Ronaldo ayaa ku adkaystay siday uga go’an tahay inuu ka hayaamo kooxdiisa Inter iyo inuu door-bidayo horyaalka kooxaha Yurub ee Real Madrid. Sidaa waxa daboolka ka qaaday Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Isbaanishka ah Jorde Valdano, oo habeen hore qabtay shir-saxaafadeed uu ku daah-furay warkaa kediska ah.

Valdano wuxuu shirkaa jaraa’id ku sheegay inaan dalabku ka iman Real Madrid, balse uu yahay mid ka soo yeedhay wakiilka Ronaldo Alexander Martins, oo isagu weydiiyay inay danaynayaan iibka ciyaartoyga.

Mr. Valdano, oo iska fogaynaya eedda ka dhalan karta iibsashada Ronaldo, maadaama aanay raali ka ahayn kooxda Inter wuxuu sababta uu shirka jaraa’id u qabtay ku macneeyay inay ku caddeeyaan mawqifka ay arrintaa ka taagan yihiin, wuxuuna yidhi; “Ilaa hadda Inter uma diyaar aha inay iibiso Ronaldo, R. Madrid-na uma diyaar-garoobin inay iibsato.”

Agaasimuhu wuxuu intaa ku daray inaanay jirin xumaan u dhaxaysa labada kooxood ee Inter iyo Real Madrid. Sidaa darteedna kooxda Isbaanishka ahi aanay kaxaysan karin ilaa buu yidhi ay ciyaartoyga ka soo go’do uuna ku adkaysto inuu ka tegayo.

Inkasta oo Mr. Valdano ku af-gobaadsaday inaanay dalban Ronaldo, haddana waxa jira warar ku dhow-dhow kooxda oo tibaaxaya in durba ay bilowday wadahadal ku saabsan qiimaha ay ku iibsan karaan. Wararku waxay sheegayaan in ay diyaarisay 15 milyan oo gini oo ay ku jirto caymiska shirkaduhu, haddii ay ku heshiiyaan.

Sidoo kale, wargeysyada Isbaanishka ayaa daabacay mushahaarka loo qoondeeyay Ronaldo oo ah 2.25 milyan oo gini sannadkiiba.

Tallaabadani waxay noqonaysaa mid uu ku qanco Ronaldo, maxaa yeelay wuxuu ka mushahaar badan yahay Luis Figo iyo Zidane oo mid waliba qaato 1.7 milyan oo gini sannadkiiba.

Dhinaca kalena, tabobaraha Manchester Sir Alex Ferguson ayaa aad ugu riyaaqay warar la isla dhex-marayo oo sheegaya in Ronaldo u soo jeedo dhinaca Manchester.

Ferguson waxaa laab-qaaday maqalka wararka ka imanaya Talyaaniga oo sheegaya in Ronaldo ka tegayo Inter, iyada oo Manchester-na ka mid tahay kooxaha ugu horreeya ee danaynaya Ronaldo.

Tabobaruhu wuxuu muujiyay in ay qiime kasta ula diyaar yihiin haddiiba laga iibinayo. “Waanu iibsanaynaa,” ayuu yidhi. Wuxuuna daba-dhigay su’aal isaga oo dhoola-cadaynaya; “waa imisa qiimihiisu,” ayuu ku daray isaga oo aan aad ugu qanacsanayn rasminimada warkaa.

Manchester United oo ah kooxda dunida ugu qanisan waxay toddobaado kahor sheegtay inay doonayso iibsashada Ronaldo, balse arrintaasi may sii socon, waxaana diiday Inter Milan.

Manchester oo ay ka badisay Ajex kulan ka mid ah tartan dhawaan u furmay afar kooxood oo ay ka mid yihiin Manchester iyo Ajex, ayaa muujiyay baahida ay shayaadiinta cas-casi u qabaan ciyaartoyga cusub.

Kooxda Internazionale oo uu Ronaldo u ciyaaro ayaa iyana gashaanka ku dhufatay markay maqashay wararka ku saabsan iibka Ronaldo.

Guddoomiyaha kooxda Massimo Moratti, ayaa warkaa ku tilmaamay mid aan la qaadan karin.

Si kastaba ha ahaatee, tegista iyo joogista Ronaldo ee Inter waxay ku xidhan tahay go’aanka ciyaartoyga reer Brazil oo ay ku xidhan tahay hadba sida uu ka yeelo.