Haatuf, Cadadki 130, Aug.5, 2002

Madaxweyne Rayaale Ma Isu Sharaxayaa Tartanka Madaxweyne-Nimada; Mase Doonayaa Muddo-Kordhinta

Waayaha UDUB, Qorshaha Doorashada Iyo Wakhtiga Yar Ee Hadhay

 

Hargeysa (Haatuf): Iyadoo Madaxweyne Rayaale toddobaadkii tegay saxeexay dhaqan-gelinta wakhtiga loo mudeeyay qabashada doorashada dawladaha hoose oo ah Oktoobar 27, 2002, isla markaana ay muddo 5 bilood gaadhaysaa ka hadhay wakhtigii sannadka ahaa ee Golaha Guurtidu kordhiyay, ayaa waxa soo ifbaxaya warar ka dayrinaya ololaha Siyaasadeed ee ururka dawladda ee UDUB ee ku wajahan doorashooyinka, kaas oo lagu tilmaamay inuu aad u hooseeyo.

Warar laga soo xigtay illo xog-ogaal ah oo u dhuun dalloola arrimaha ururkaas, ayaa sheegay ururka UDUB inuu wakhtigan ku jiro xaalad aamus ah, isla markaana aanu kala miir-dilaacsanayn ololihiisa Siyaasadeed. Wararkaasi waxay intaa ku dareen in wixii ka dambeeyay geeridii guddoomiyihii hore ee ururkaas, Maxamed Ibraahim Cigaal, ay hawl-galada ururku noqdeen qaar aan firfircoonayn.

“Laga soo bilaabo markii uu geeriyooday guddoomiyahayagii hore, ilaa hadda mar keli ah ayuu Madaxweyne Rayaale la kulmay guddiga fullinta ururka.” Sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah xubnaha sar-sare ee ururka UDUB. Waxa kale oo uu intaa raaciyay oo uu sheegay inuu jiro khilaaf kooxaysi ah oo ururka dhexdiisa ahi, kaas oo la sheegay inuu soo taxnaa ilaa markii uu noollaa guddoomiyihii hore ee ururku, hase yeeshee wakhtigaas hore waxa la sheegay in ay awooddu u janjeedhay dhinaca ku tiirsanaa guddoomiyaha, haddase Madaxweyne Rayaale oo isla markaana ah guddoomiyaha ururka, ayaa la sheegay in aanu sooba dhexgelin kooxaha ururka ka jira, tan iyo intii uu qabtay jagada Madaxweyne-nimo iyo ta guddoomiyaha ururkaba.

Wararku waxay intaa ku ladheen, in dhinaca dhaqaalaha laftiisa ay wax iska bedeleen oo uu ururku tebayo kharashkii soo geli jiray wakhtigii uu talada hayay Madaxweynihii hore, kaas oo la rumaysnaa in laga siin jiray khasnadda dawladda, balse la sheegay inuu yaraaday intii uu talada la wareegay Mudane Rayaale. Siday tibaaxeen warar laga soo xigtay xubno ururka ka tirsani, Madaxweyne Rayaale wuxuu u muujiyay xubnaha fullinta in aanu u isticmaalaynin arrimaha ururka lacagta dawladda, loona baahan yahay in ururku dhaqaale raadsado. Laakiin waxay warar kale sheegeen, in tiraba laba jeer ururka loo sii daayay kharash maaliyadeed oo aan la hubin halka uu ka yimi, laakiin la tuhunsan yahay inuu ka soo jeedo Maaliyadda Qaranka.

Siday sheegeen warar ka soo baxay illo xog-ogaal ahi, waxa aan weli caddayn in Madaxweyne Rayaale isu taagayo tartanka Madaxweyne-nimada dalka.

“Marna namuu odhanin, waan is sharaxayaa iyo is-sharaxi maayo toona. Waxa keli ah ee uu na yidhaahdaa, waxa weeye, waa in horta doorashooyinka dawladaha hoose dhacaan.” Sidaa waxaa yidhi, Xubin sare oo ururkaas ka mid ah, kaas oo dalbaday in aan magaciisa la sheegin. Wuxuu intaa ku daray in sidaa aawadeed aanu weli guddoomiyaha ururku kalsooni buuxda oo ku saabsan doorashada siinin ururka, si loo dhaqaajiyo ololaha Siyaasadeed ee ururka. Laakiin xoggo kale oo ka soo baxay dhinacyo kale, ayaa sheegay in Daahir Rayaale Kaahin uu doonayo inuu isu taago jagada Madaxweynaha, balse warar kaa ku lid ah ayaa iyana tibaaxay in aanu isu taagaynin jagadaas.

Wararkaasi waxa kale oo ay tibaaxeen in Madaxweynuhu uu ku hamiyayo qabashada doorashada dawladaha hoose, kadibna la filayo in dib loo dhigo labada doorasho ee kale (Ta baarlamaanka iyo ta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa).

Wararkaasi waxay intaa ku ladheen in si taasi u suuro-gashana loo malaynayo inuu Madaxweynuhu dalban doono muddo-kordhin kooban, marka geba-gebada wakhtigii la kordhiyay la gaadho.

Inkastoo wararkaa kala duwan ee ku saabsan ururka UDUB iyo arrimaha doorashadu soo ifbaxayaan, haddana ma jiraan warar mowduucaa ku saabsan oo ka soo baxay ururka UDUB iyo Xukuumadda-ba.

“Way Fiican Tahay In Fursad La Siiyo Hogaanka Cusub …… Guurtidana Way Dhib-Yartay Kordhinta Sharci-Darrada Ahi”

 Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

Hargeysa (Haatuf): “Anigu waxaan qabaa in dib loo wada hadlo oo ay Cidii wax tabanaysaa badka soo dhigto, ururkuna ma noqonayo sida aan doono hala ii yeelo”,sidaa waxa yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka waramaya khilaaf siyaasiya oo la soo dersay ururka SAHAN oo uu ka tirsan yahay, iyadoo uu wargeyska Haatuf doraad la yeeshay waraysi, waraysigaa oo uu khilaafkaa ka sokow kaga hadlay dhinacyo kale oo la xidhiidha arimaha doorashada iyo mawqifkiisa siyaasadeed ee ku wajahan hogaanka cusub ee madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo waxyaalo kale oo ku saabsan marxaladda siyaasadeed ee dalka ku soo fool leh mustaqbalka dhow.

Intiinii Akhrisatay cadadkayagii shalay (Axad, Ogost 4) waxa uu Maxamed Xaashi ku sheegay inaanu isu taagayn tartanka madaxtinimada doorashooyinka la filayo inay mustaqbalka dhow dalka ka dhacaan, isaga oo ka waramay sababta uu mawqifka noocaas ah u qaatay, laakiin ugu horayn, isaga oo ka waramaya sida uu ku yimi khilaafka SAHAN waxa uu yidhi “ Khilaafka SAHAN waxa uu ka bilaabmay, marka hore gudoomiyaha iyo gudoomiye-kuxigeenku ku meel-gaadh bay ahaayeen, wuxuuna go’aankayagii hore ahaa in saddex bilood gudahood lagu doorto madaxda ururka, shirweynena la qabto, sidaa darteed khilaafku waxa uu ka bilaabmay doorashadaa iyo shirweynihii la qaban lahaa”, Maxamed wuu sii waday hadalka, wuxuuna yidhi “ Bishii hore ee Juun ayaa la goostay ururku waa kala yar daadsan yahay ee aynu ururka dib u habayno iyo in la qabto shirweyne lagu doorto madaxdii ururka, waxaana la magacaabay guddigii qaban-qaabada shirka, intaasina waxay ahayd wax loo wada footeeyey oo aan hadal ka joogin oo raggan hadda diidan shirweynaha markaa way footeeyeen, laakiin mar kale ayaa haddana hadal bilaabmay , markaana waxa la magacaabay guddi turxaan saar ah, guddigaasina waxay soo go’aamiyeen in shirweynaha la qabto 28-ka Julay, 2002”.

“Golaha dhexe markii uu u footaynayey go’aamadii guddiga tur-xaan bixinta laba nin qudha uun baan u footayn, iyadoo ay ragga markaa fadhiyey ee golaha dhexe tiradoodu ahayd 44 nin” ayuu ydhi Maxamed Xaashi, wuxuuna intaa ku daray “ waaberigii ayaanu soo baxnay, iyadoo meeshii lagu shirayey ay gawaadhiyi ku go’an tahay, dabadeed-na waxay arini noqotay halkaa ku joojiya shirka yaanay dhibaato kale dhicine”.

Laakiin Maxamed Xaashi rag uu iska diiday inuu magacyadooda carrabka ku dhufto ayuu ku eedeeyey inay is-hortaageen inuu shirweynuhu qabsoomo, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay dimoqraadiyadii ururka ka horyimaadeen, wuxuuna yidhi “Taasi waxay u muuqataa in dimoqraadiyadii laga tegay oo ay arintu tahay wixii aan doonayo hadii aan la yeelin waxba socon maayaan, dadka meesha yimi ee shirka is-hortaagayna waxa ka mid ahaa dad aan ururka ka tirsanayn oo Tolaayeey ku yimi”.

Ragga ka soo horjeeda ama diidan qaabka loo maamulay shirweynihii burburay ee ururka SAHAN waxay kooxda kale ee uu Maxamed Xaashi ka midka yahay ku eedeeyeen inay shirweynaha u diideen inay ka qayb galaan haweenka iyo dhalinyarada, laakiin mar la waydiiyey arintaa waxa uu ku jawaabay “Anigaygan kula hadlaya ayaaba soo jeediyey inay haweenka iyo dhalinyaradu ka mid noqdaan shirweynaha iyo ururkaba, mana aha wax laga maarmi karo, mana jirto taasi”.

Tan iyo intii uu cirka isku shareeray khilaafka ururka SAHAN ee ay arintu soo gaadhay in lagu kala dareero shirweynihii loo ballansanaa waxay dadku iswaydiiyeen halka uu ku dambayn doono aayaha ururka SAHAN, iyadoo ay su’aalaha la iswaydiiyey ka mid yihiin ma sidaas ayey ku kala dhaqaaqi doonaan ururkuna ku baabi’ doonaa , mise xal kale ayaa la heli doonaa, laakiin Maxamed Xaashi oo la waydiiyey bal inuu wax xal ah oo ururkii dib loogu soo dabaali karaa, waxa uu yidhi “ Waxaan qabaa in dib loo wada hadlo oo ay Cidii wax sheeganaysaa soo bandhigto, dabadeed-na uu shirkii sidiisii u qabsoomo”.

Waxyaalaha kale ee la sheegay inay siyaasiyiinta ururka SAHAN isku khilaafeen waxa ka mid ahaa inay ragga qaarkood doonayeen inuu ururku la midoobo ururada kale ee siyaasadda Somaliland, laakiin ay raga qaarna taa diidan yihiin, ragaas-na uu Maxamed-na ka mid ahaa, balse Maxamed, isaga oo taa ka jawaabaya waxa yidhi “ taasi ma jirto saddex-afar bilood baa nagaga lumay hadii aanu SAHAN nahay sidii aanu u raadinaynay midowga ururada siyaasadda, mana jirto cid diidani”.

Marka sheekada ururka SAHAN laga yimaado Maxamed Xaashi waxa uu ka mid ahaa raggii ay waqtiyada qaar ka kaaji kari waydey dawladda talada haysaa, laakiin intii uu talada madaxweynenimo qabtay Daahir Rayaale Kaahin wuu dhimay sawaxankii, sidaa darteed mar la waydiiyey sababta uu u dhimay waxa uu ku jawaabay “Horta hogaanka cusubi marxaladiisa iyo xaaladiisa ayuu leeyahay, wayna ku fiican tahay in ninka madaxda ah fursad la siiyo, waxaana qabaa qofku waa bini’aadan in marka uu qaldamo loo sheego qaladkiisa, hadii uu qaadan waayo waa wax kale, markaa aniga waxay iigu muuqataa in lagu jiro mudadii fursadda la siinayey, qofka madaxda ahna waxa laga rabaa inuu daacad-nimo ugu shaqeeyo dalkiisa iyo dadkiisa”, isaga oo Maxamed sheegay inuu la kulmay madaxweyne Rayaale ayna ka wada sheekaysteen xaaladda dalka , isla markaana uu u gud-biyey wixii talo ah ee ku saabsanaan xaaladda dalka.

Maxamed Xaashi mar la waydiiyey sida uu u arko hawsha doorashada oo ay dad badani u arkaan inay kala weyn yihii mudada hadhay iyo arimaha weli qabyada ah, waxa uu ku dooday in hadii la dedaalo la qaban karo ugu horayn doorashada dawladaha hoose, isla markaana waxa uu tilmaamay in hadii ay guddiga doorashada iyo dawladduba tabaabushe weyn galaan inay samayn karaan diiwaan-gelinta, laakiin wuxuu yidhi “ waxaan filayaa inay dawladdu ku talo jirto inay qabato doorashada dawladaha hoose, laakiin ta shakigu ka jiraa waa ta madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka oo ay dadka qaar yidhaahdaan haloo kordhiyo”. Laakiin Maxamed waxa uu ka hadlay sida uu u arko arinta muddo kordhinta madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, wuxuuna yidhi “ Kordhisku waxa uu doonayaa sifo sharci ah, odayaasha guurtidana waxaad moodaa inay sharcigaba ka baxsan yihiin”.

Maxamed waxa uu odayaasha Guurtida ku tilmaamay in korodhsiimooyinkii hore ee ay sameeyeen ay ahaayeen, kuwo ay u mareen dariiq baal-marsan sharciga, sidaa daraadeed buu yidhi “ odayaasha guurtidu maadaama ay marar badan sharciga iska baal-mareen waxaad moodaa inay maantana isaga dhib yar tahay inay iska yidhaahdaan waanu u kordhinay, laakiin ma jirto meel ay distoorka kaga qoran tahay inay wax kordhiyaan, kolkaa anigu waxaan qabaa in sharciga la raaco oo ay nimankan odayaasha ahi ka waantoobaan sharci jebintan ay caadaysteen”.

Ugu dambayn waxa uu Maxamed Xaashi ku adkaystay in lagu dedaalo sidii ay doorashooyinku u qabsoomi lahaayeen, isaga oo ku dooday in hadii aan la dhayal-san la qaban karo, isla markaana waxa uu dawladda u soo jeediyey inay noqoto dawlad suurta gelisa doorasho “ oo inaga furata shir-beeleed “ ayuu yidhi, isaga oo xusay inuu shirbeeleedka u arko dib u noqosho, isla markaana ku dooday in hadii ay doorashadu hirgasho ay wax badan ka tari doonto ra’yul-caalamka qadiyadda Somaliland.

Shil Baabuur Oo 21-Qof Ku Dhaawacmeen

 

Berbera (Haatuf): 21 qof ayaa ku dhaawacmay oo 6 ka mid ah uu dhaawacoodu halis yahay ka dib markii uu gaadhi dhayne ahi kula qalibmay tuulada abdaal dadkaasi oo dhaawacooda la geeyay cusbitaalka guud ee berbera.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Berbera gaadhigan oo ah nooca loo yaqaan kurka ka noosha waxa uu qalibmay markii uu wadaha gaadhigu damcay inuu dhaafo gaadhi kale agagaarka tuulada abdaal isaga oo ka tegay dhinaca Hargeysa una jeeday magaalada Burco gaadhiga oo ay saarnaayeen 22qof oo u badnaa caruur iyo maato, kuwaasoo 21ka mid ahi ay dhaawacmeen uuna ku jiro wadihii gaadhiga oo la yidhaahdo Yuusuf Ismaaciil Quule 6 ka mid ahina uu dhaawacoodu halis yahay. shilkan oo ay u gumadeen Ciidanka boolisku waxa ay dhaawaca la geeyey cusbitaalka guud ee Berbera ilaa hadda namay soo gaadhin lambarka gaadhiga iyo magacyada dadka ku dhaawacmayba.

Shilalka baabuurta oo beryahan danbe dalka ku soo badanaya waxaa u sabab ah xawaaraha ay wadayaashu ku wadaan baabuurta oo sareeya iyo xamuulka ay qaadaan oo xad dhaaf ah taasoo sababta inay si dhib yar u galaan shilal baabuur oo halis ah kuwaasoo khasaare badan oo naf iyo maalba leh geysta.

Beesha Caalamku Kama Garasho Liidato Nin Waallan

Faallo – A. Ducaale

 

Waxa la yidhi nin waallan ayey niman xigtadiis ahi soo qabteen, dabadeed-na si ay u mashquuliyaan ayey ku yidhaahdeen foosta gun la’ dhaami, laakiin markii uu nus gelin ( 3 saacadood) biyo ku dhurayey ayuu daalay, dabadeed-na foostadii ayuu xagga kale u rogay, wuxuun arkay inay gunta ka daloosho, ka dibna intuu kor u qayliyey ayuu yidhi “ waaryaadheheen aniguna daalay, biyihiina dhamaade ee foostada gunta ka tola”.

Horaanta bisha Sabtembar ee foodda inagu soo haysa waxa magaalada Nayroobi ee casimadda Kenya lagu talo jiraa in lagu qabto shir loogu yeedhay dib-uheshiisinta Somaliyeed, waxayna kooxaha qaban-qaabada shirkaasi soo bandhigeen qorshahooda ku saabsan dawladda ay ku talo jiraan inay shirkaa ku soo dhisaan, taas oo ay sheegeen inay noqonayso dawlad federaali ah oo ay ku kulmayaan dawlad goboleedyo ay mid waliba ka kooban tahay dhawr gobol oo ka mid ah dhul-weynaha Jamhuuriyadii la odhan jirey Jamhuuriyadda Somaliya, waxayna sheegeen inay dawlad goboleedyadaa ka mid yihiin Somaliland iyo Puntland.

Shirka Nayroobi waxa uu ka mid yahay in ka badan dhawr iyo toban shir dib-uheshiisiinta Soomaaliyeed ah oo lagu kala qabtay dalal badan oo ka ka mid Afrika iyo Carabta iyo meelo kale, laakiin shirka Nayroobi waxa uu shirkii u dambeeyey ee ku xigay ahaa shirkii lagu qabtay Tuulada Carta ee dalka Jabuuti, shirkaas oo uu qaban-qaabiyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa ka qayb galay dhawr kun oo qof, waxaana lagu soo dhisay dawladda uu madaxweynaha ka yahay C/qaasin Salaad Xasan, isla markaana waxa ku baxay malaayiin Doolar oo kharash ah, balse nasiib daro dawladaasi kuma guulaysan inay meel-na u dhaafto xaafadaha koonfurta Muqdisho, halkaas ayeyna ku saqiirtay. 

Sidoo kale ilaa shan iyo toban shir oo ka horeeyey shirka Jabuuti ayaa lagu gaadhay go’aamo tiro badan oo lagu qoray far waaweyni, isla markaana ay kooxihii ka qayb galay, iyaga oo jibbaysan kor ugu qaylinayeen “waa in la meel-mariyo go’aamada ka soo baxay shirka dib-uheshiisiinta Somaliyeed ee lagu qabtay meel hebla”, laakiin waxay mar walba natiijada runta ahi noqotaa hal-bacaad lagu lisay.

Dhamaan shirarkaa waxa ka qayb galay ama ka qayb gala wejiyo isku mida ah, kuwaas oo ah hogaamiye-kooxeedyada ku hirdama dhulka Somalida Koonfureed, kuwaas oo ilbax ku noqday sida loo dilaalo dawladaha iyo ururada isku mashquuliya dib-uheshiisiinta Somalida, laakiin madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa damcay inuu is-xariifiyo oo uu wax ka bedelo dariiqii marar badan lagu guul-daraystay ee shir kasta laga qayb gelin jirey hogaamiyayaasha kooxaha, ka dibna waxa uu gebi ahaan-ba shirkiisa ka reebay dhammaan hogaamiye kooxeedyada Somaliya, laakiin Ismaaciil meel fog ma tegin, waxaana shirkiisii iyo dawladii uu ku soo dhisayba ku dhacday shaambad madow, taas oo ay sheekada soo korodhay keliya noqotay inuu Madaxweyne Geelle u yeedhay koox ka mid ah maamulayaashii taliskii Siyaad Barre, sidaa darteed natiijada shirkii Carta kama badnaan hogaamiye-kooxeedyo soo kordhay.

Shirarkaa tirada badan ee loogu yeedho dib-uheshiisiinta Soomaaliyeed marka laga reebo dhinacyada sida dad-ban lugta ugula jira, waxa si toos ah uga shaqeeya in badan dhawr iyo toban dawladood oo isugu jira Afrika, Carabta iyo dunida Reer-galbeedka ee loogu yeedho wadamada aqoonta iyo dhaqaalaha hore uga maray iyo ururo aan tiro lahayn oo isugu jira heer gobol iyo heer caalami intaba, sida: Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka dalalka Islaam, IGADD iyo hayadaha tirada badan ee jimciyadda qaramada midoobay, isla markaana waxa  shirarkaa lagu khasiraa malaayiin doolar, laakiin arinta xiisaha lihi waxay tahay, iyadoo la ogyahay inuu dedaalkii iyo shirarkii aan loo xiiq-tiran ee dhawr iyo tobankii sannadood ee ina dhaafay laga dhex wadey hogaamiye-kooxeedyada ku hirdamaya dhulka Soomaalida koonfureed inay hal-bacaad lagu lisay tahay ayaa, haddana kumanaan doolar oo kale loola diyaar yahay in mar kale lagu khasiro shirka ay qal-qaaladiisu ka socoto Nayroobi. 

Hase yeeshee is-waydiintu waxay tahay, iyadoo laga dheregsan yahay sida ay dadka Somalida Koonfureed ugu oomman yihiin nabadgelyo inay mar uun helaan iyo inay mar qudha arkaan dawlad soo celisa nidaamka iyo kala dambaynta, muxuu dedaalka baaxadda leh ee beesha caalamku mudada dhawr iyo toban sannadood ah mar keliya natiijo uga gaadhi waayey qadiyadda nabad-raadinta Somalida Koonfureed. Nin baa laga hayaa maanigaa waallan, mise Cadan baa laga heesayaa.

Beesha caalamku waxay mushkiladda sal-dhigi wayday ee Somalida Koonfureed dusha ka saartaa Somalida lafteeda, taas oo ay ku andacoodaan waxa lagu kari-waayey inay mar qudha wax ku heshiiyaan, laakiin dad badan oo Somali ah ama dunida kale ah ayaan sidaa la qabin dawladaha iyo ururada ku mashquulsan arimaha Somaliya, kuwaas oo, iyagu caal-waaga mushkiladda sababteeda u aanaynaya loollan ka dhexeeya dawladaha laftooda, iyadoo la leeyahay dawlad weliba dano ayey meesha ka leedahay, sidaa darteed hadii ay danteedii meesha ka urin waydo cirka ayey u tuuraysaa, taasina waxay keentay xintan had iyo goor ka dhex-oogan dawladaha ku mashquulsan arimaha dib-uheshiisiinta Somalida Koonfureed, iyadoo ay dad badani rumaysan yihiin inuu xintanka dawladahaa ka dhexeeyaa yahay mushkilad kaba sii qoto fog ta Somalida oo aanay cidiba ka geyoon karin.

Aragti kale ayaa, iyana jirta oo odhanaysa arinta mar qudha waxaan lagu dhufan halkii ay u dhiman lahayd, taas oo macneheedu yahay xal u helidda mushkiladda Somalida Koonfureed waxaan mar keliya loo marin dariiqii saxa ahaa, taas oo ay dadka aragtidan qabaa leeyihiin waxa la qodayaa xabaal bilaash, iyaga oo leh waa in arinta laga dhigaa Weel gunta ayuu ka tolmaa, sidaa darteed waa in laga soo dego meelaha sare ee la isku waabayo, arintana xagga hoose laga soo unko, iyadoo ay haboon tahay in la iska ilaawo arimaha aan is qaban karin ee dusha la iska saarayo.

Tusaale ahaan Somaliland oo 12 sannadood ka hor ku dhawaaqday inay tahay dal madax banaan, uuna ka jiro maamul dawladeed oo shaqeeyaa, ayey Gabyow iyo Morgan Nayroobi ka leeyihiin waxay ka mid tahay maamul-goboleedyada aanu dawladda u soo dhisayno, taas oo kale marka ay beesha caalamku ku shaqayso, muxuu macneheedu noqonayaa.

Sidoo kale maamulka C/qaasin Salaad oo waqooyiga Muqdisho gaadhi kari-waayey ayaa tuurta ku sita magacii Soomaaliyeed oo dhan oo meel walba la taagan anigaa ah dawladdii Soomaaliyeed iyo anigaa ah Madaxweynihii Soomaaliyeed, taas oo kale cidda isku qancisay iyo cidda ka dhegaysanaysaba miyaanay arintoodu ka dhignayn Caruurtii dhallanteedka biyaha moodey ee xoolaha u aroorisay.

Laakiin su’aasha xiisaha lihi waxay tahay beesha caalamka ma hogaamiye-kooxeedyadaa ka saayid-caleeyey oo ay far kala bixi la’dahay, mise muraad kale ayey leedahay oo sheekadeedu waa baxsi is yeel-yeelaya, ileyn waxa ninka waallani nus-gelinka ku gartay laba iyo toban sannadood kuma ay garan-waayin beesha caalamkuye.

Dhiirigalinta Wax-Soo Saarka Dalkaagu Waa Lama Hurraan

Carwadda 3aad ee Somaliland

Cumar Daahir Cumar

 

Dhaqaalaha uu dal waloo dunida ka tirsani uu leeyahay waxay kaalin muhiima kaga jirtaa jiritaanka dalkaa iyo siduu u ugu guuleysan lahaa hirgalinta barnaamijyada horumarinta iyo dhismaha fuud ee dalkaas.

Farsamooyinka lagu bandhigo wax-soo saarka iyo ganacsiga waxaa ka mida agaasinka carwooyinka oo leh xili la furo iyotaariikh la soo gabagabeeyo bandhigaa.

Maalmahan waxaa ka socotay Hargeysa carwo lagu soo bandhigay wax soo saarka kala duwan ee laga soo saaray dalka gudihiisa alaabooyinkaa oo ah kuwo leh tayo iyo faa’iido u qalanta in la dhiirigaliyo isticmaalkooda si ay u helaan suuq marka hore dalka gudihiisa ah oo dhiirigaliya ganacsiga iyo hay’adaha isku xilsaaray in ay ka faa’iideeyaan khayraadka dalka gudihiisa.

Dhinaca ganacsatada iyo hay’adaha wax-soo saarka ku soo bandhigay carwada sanadkan 2002 ee ka socota xarunta hay’ada shaqaalaha dowladda ee S/land. Waxaa haboon in ay sameeyaan hab ganacsi la tartami kara alaabooyinka ay soo saaraan, kuwa laga keeno dhinaca tayada iyo qiimaha.

Marka la eego faa’iidooyinka wax-soo saarka dalka gudihiisu uu u leeyahay dalka waxaa ka mida, khayraadka dalka oo ay ka faa’iidaysanayaan, muwaadiniintu iyagoo ka helaya dakhli shaqo ay ka helaan dad badani taas oo abuurta dakhli wax ka tara nolosha dadka iyo baahiyahooda, waxsoo saarka guduhu wuxuu qiimo u yeelaa lacagta uu dalkaasi leeyahay haddii ay hoos u dhacdo baahida alaabooyinka u baahan lacagta adag (hard currencies).

Inkasta oo uu suuqa xorta ah ee ganacsigu yahay mid lagama maarmaan u ah ganacsiga haddana kordhinta iyo kor u qaadida wax-soo saarka dalka gudihiisa oo leh farsamo iyo qiime ay kula tartanto, alaabooyinka dibadda laga soo dhoofiyo waa mid horumar iyo kaabis dhaqaale u keeni karta dalka.

Dhiirigalinta wax-soo saarka guduhu waa mid ay kaalinta ugu muhiimsan leeyihiin dadweynaha reer Somaliland, marka la eego kolba sida ay u hirgaliyaan isticmaalka wax-soo saarka dalka gudihiisa haddii uu yeesho tayo iyo qiime macquula.

Runtii bandhiga wax-soo saar ee carwada Somaliland waxaa lagu soo bandhigay wax-soo saar laga farsameeyay kheyraadka dabiiciga ah ee dalka gudihiisa oo haddii uu helo suuq dhaqaale oo si weyn uga muuqan kara dhaqaalaha Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee daneeya horumarku ay caawimo dhaqaale iyo mid farsamo ku kaaliyaan wax-soo saarka dalka gudihiisa.

Hannaanka Dimuqraadiyada Iyo Hawl-Galka Axsaabta

Siciid I. Guraase.

 

Shaki kuma jiro inay Dimuqraadiyadu tahay hannaanka ugu haboon ee lagu gaadhi karo doorashooyin loogu tartamo munaasiibta kala duwan ee hogaaminta dalka iyo inay dadku doortaan cida dalka hogaaminaysa marka ay ku qancaan barnaamijka iyo qorshaha horumarinta dadka iyo dalkaba.

Marka la macnaynayo Dimuqraadiyada waxaa lagu macneeyaa inay tahay dadka oo yeeshay talada iyo go’aanka kama dambaysta ah ee hogaamintooda, taasoo uu macnaheedu yahay in cida u Madaxda ahi ay ku socoto sida ay doonayaan dadku dariiq kalena aan lagu hogaamin karin. Astaamaha dimuqraadiyadu waa asxaab iyo ururo u tartama hogaaminta, kuwaasoo bulshada u soo bandhiga barnaamijyadooda ay wataan, markaasoo ay dadkuna xaq u leeyihiin inay doortaan oo raacaan xisbigii ay ku qancaan barnaamijkiisa.

Waxaa kale oo taa ka horeeya inuu jiro dastuur iyo xeer si cad u qeexaya hannaanka xisbiyada badan  xoriyada fikirka iyo hadalkaba taasoo markaa ka dib si ficil ah u dhaqan galaysa.

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah inay jirto saxaafad madaxbanaan oo dusha kala socota hannaanka Dimuqraadiyada iyo tartanka asxaabta kala duwan. Sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah inay bulshada lafteedu wacyi u leedahay hannaanka dimuqraadiyada iyo tartanka asxaabta kala duwanba si ay suurta gal ugu noqoto kala doorashada tartamayaasha iyagoo u eegaya sida ay dantoodu tahay iyo sida u fiican mustaqbalkooda marka la gaadho doorashada. ta ku xigtaana waa inay la xisaabtami karaan cidii  doorashadii hore ku soo baxday iyagoo siinaya abaal marinta ay mutaysatay taasoo ah dib u doorasho iyo sedkordhin waa haddii ay cidaasi kasoo baxday balantii ay qaaday ama in aanay mar kale siin kalsoonidooda waa haddii aanay ka soo bixin xilkii lagu aaminay.

Mararka qaarna waxaa iman kara in maxkamad ama xukun lala beegsado. Marka arrimahaa la eego badankoodu dalka maanta way ka jiraan iyadoo haatana lagu dhawaaqay maalintii ay doorashooyinka ugu horeeya oo ah kuwa dawladaha hoose ay dalka ka dhacayaan taasoo loo mudeeyay 27ka bisha Oktoobar ee fooda inagu soo haysa balse waxaa jirta in hanaanka dimuqraadiyadu uu u baahan yahay diyaar garaw fiican dhinaca asxaabta iyo dhinaca bulshadaba. Si looga badbaado turaanturo ku timaada hannaanka asxaabta badan iyo doorashooyinkaba.

Arrimaha loo baahan yahayna waxaa ka mid ah in ay asxaabtu noqdaan qaar xaqiiqo ku dhisan barnaamijkooduna uu cad yahay xisbiga ama ururka oo ah is habayn hawlgal waa inuu isku habeeyo si dhamaystiran oo uu ku qaadi karo mas’uuliyada culus ee hogaaminta dalka iyadoo hogaamiyayaashiisa iyo xubnihiisuba isla sii meel dhigeen sida uu yahay barnaamijkoodu iyo habka ay u fulinayaan barnaamijyadaasi laguna sii tababaraa habka hogaaminta iyo kala dambaynta maamulkaba si aanay xisbiga ugu soo bixin muran iyo khalkhal Siyaasadeed marka uu xilka dalka ku guulaysto. Haddiise uu xisbigu noqdo is habayn isku hawlan muran iyo jahawareerna uu jiro dhexdiisa taasi waxay keenaysaa in ay fitno ka abuuranto taasoo khasaare u keenaysa hannaanka dimuqraadiyada, khalkhalna ku abuuraysa bulshada.

Mushkilada ugu weynina waa bulshada reer Somaliland oo ay raad weyn ku leedahay qabyaaladu, taasoo keenta in wixii muran yimaadaba xageeda loola kaco loona fasiro si ka duwan sidii ay ahayd taana waxa waayo aragnimo inoogu filan hannaankii dimuqraadiyada ee lagu dhaqmi jiray lixdameeyadii iyo muddadii uu socday halgankii xoreynta Somaliland ee uu horseedka ka ahaa Ururkii S.N.M. dimuqraadiyadu waa inay keento doorasho xalaal ah oo dalka ka dhacda, balse waa in marka hore ay taasi ka dhacdo xisbi kastaba dhexdiisa hogaankiisuna uu ku soo baxo si dimuqraadiya haddiise uu xisbiga dhexdiisa ka jirin hab dimuqraadi ahi waxaa uu ahaanayaa is habayn isku hawlan halkii laga rabay inuu ahaado is habayn hawl gal.

“Madaxweynaha Maraykanku Waa Shaydaan Laaya Carruurta Muslimka Ah”

Warbixin - Taageerayaasha Al-Qaacida Ee Ku Nool Yaman

Frank Gardner u qaybsanaha arrimaha nabadgelyada ee BBC-da oo Booqday Yaman.

 

Frank Gardner oo arrimaha nabadgelyada wax ka qora kana tirsan BBC-da ayaa warbixintan ka bixiyay kulankii uu kula kulmay yemen dad u dhashay oo taageersan Usama Binu-Laden iyo ururka Al-qaacida, warbixintan Mr. Gardner waxaa uu ku sheegay “Buuraha yemen waxaan kula kulmay nin jecel Osama Binu-Laden laakiin taasi maaha arrin adag, Ninkaasi oo uu magaciisu ahaa Khaalid wuxuu ka mid yahay dad aan la tirin karin oo yemeniyiin oo aan la kulmay oo rumaysan in uu Usama yahay ninka sida sirta ah intuu Maraykanka waxyeelada u gaystay, ee haddana badbaaday” Frank Gardner qoraagaa ka tirsan BBC-da isagoo sii wata warbixintiisa wuxuu sheegay in Khaalid uu aad raali uga ahaa in uu faafiyo fariintiisa oo aan warbaahinta ka sii daayo ayuu yidhi Mr. Gardner.

“Khaalid wuxuu xidhnaa cumaamad iyo khamiis iyo jakeet, waxaanu sitay dharka ay caadi ahaan qaataan Usaama iyo ururkiisa Al-qaacida”.

Mr. Gardner oo sii tilmaamaya ninka ay ku kulmeen yemen ee la yidhaa Khaalid wuxuu intaa ku daray in uu Ninkaasi sitay qori AK-ah iyo inuu Ninkaasi u sheegay inaan Usaama Binu-Ladan argagixiso ahayn, sidaa si leegna aan ururka Al-qaacida ahayn urur argagixiso ah ayuu Ninkaasi igu wacdiyay ayuu yidhi Mr. Gardner.

Khaalid waxaa kale uu Mr. Gardner oo ka tirsan BBC-du ka soo xigtay inuu ku tilmaamay M/weynaha Maraykanka inuu yahay shaydaan laaya Carruurta ku nool dalalka muslimka ah Mr. Frank Gardner wuxuu sheegay in aragtidani ay tahay mid ku badan dalalka carabta, intii uu Maraykanku muujiyay taageerada ballaadhan ee uu u hayo Israa’iil.

Wariyaha BBc-du wuxuu sheegay in isla ninkaa Khaalid ee uu la kulmay uu mar ka horeysay kula kulmay galbeedka yemen uuna Khaalid u sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidamada yemen ee u heeganka ah soo qaqabashada Al-qaacida iyo taageerayaashooda.

Ninka faaladan qoray wuxuu sheegay in markii uu yemen joogay in uu is waydiiyay sida ay suurta gal u tahay in yaman lagu qabto Al-qaacida maadaama ay dadka inta badaniba ay Yaman rumaysan yihiin in cida gardarani ay tahay wadamada reer galbeedka ee ay Maraykanku ka midka yahay.

“Dawladda yaman waxay goosatay inay la shaqayso Maraykanka, laakiin si ay hawshaasi u fusho waa inay Qabaa’ilka yaman, ay la shaqeeyaan dowladda yaman taas oo hadda ay u muuqato in aan qabaa’ilku wax la shaqeyna aanay gacan ku siineyn dawladooda.

Ciidamada Maraykanku halkaa ayay tababar la dagaalanka argagixisa ah siiyeen Ciidamada yaman, laakiin arrintaasi waxtar ma leh kol hadaan qabaa’ilka yaman aanay diyaar u ahayn in ay siiyaan warka loo baahanyahay dawladooda.

Hooyooyin Maraykan Ah Oo Rikoodh Cusub U Dhigay Naas-Nuujinta

Berkely (W. Wararka): Tiradii ugu badnayd haween goob qudha isugu soo baxa ayaa ka dhacay bandhig lagu dhiiri galinayo naas jaqsiinta ka dhacay bishii August 2002, gobalka kaalafoorniya magaalada Berkeley ee dalka Maraykanka.

(1000) kun haweena iyo carruurtoodii oo ay jaqsiinayaan ayaa isugu soo baxay magaalada Berkely taasoo laba jibaartay rikoodhkii hore ee bishii August 2001 oo (536) shan boqol iyo lix iyo sodon hooyo oo jaqsiinaya caruurtoodu ay isugu soo baxeen New South wales ee dalka Ustareeliya.

Barnaamijkan waxaa loogu talo galay dhiiri gelinta nuujinta naaska ee Carruurta in hooyooyinku ku dhaqmaan arrintan oo leh faa’iido caafimaadka Carruurta ah, ololahan nuujinta waxaa ka qayb gashay haweenayda maayarka ka ah magaalada Berkely ee uu ololahani ka dhacay Shirley iyo mutadawaciin ka socday ururka dhiiri gelinta naas nuujinta ee loo yaqaan Bay Area Location Association jariidada daawooyinka ee Lancet oo ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in haweenka jaqsiiya carruurtooda uu hoos u dhacay 4.3% kansarka kaga dhaca naasuhu waxaa kale oo la dersay in ay naas jaqsiintu leedahay faa’iido ah in uu Ilmaha naaska jaqay ee ku koray uu adkaysi u yeesho cudurada.

Inkasta oo ay jaqsiintu kor u kacday dhinaca Maraykanka haddana heerka naas nuujintu muu gaadhin sida ay u dhaqan galiyaan haweenka ku nool Ustareeliya.

12 Israa’iiliyiin Ah Oo Ku Dhintay Qarax Bam

 

Qudus (W. Wararka): 12 Israa’iiliyiin ah ayaa geeriyooday 6o kale oo iyaguna, Israa’ii;iyiin ahina way dhaawacmeen, ka dib markii ay Falastiiniyiin hubaysani hawl-galo is-biimayn ah ka fuliyeen gudaha dalka Israa’iil.

Hawl-galadaa mid ka mid ah waxay Falastiiniyiintu ku qarxiyeen baabuur Bas ah oo ay dad rakaab ahi saarnaayeen meel u dhow magaalada la yidhaahdo SAFAD, waxaana halkaa ku dhintay ugu yaraan 10 Israa’iiliyiin ah, halka ku dhaawacmeen 40 qof oo, iyaguna Israa’iiliyiin ah oo uu toban ka mid ah dhaawacoodu halis yahay.  Qaraxaa oo aan ilaa hadda la cadayn sababta iyo cidda ka dambaysay waxa loo malaynayaa inay gaysteen Falastiiniyiin is-biimeeyey, iyadoo uu qaraxaasi sababay dab weyn oo ka holcay baskii la qarxiyey oo gebi ahaan-ba shuf belay.

Hawl-galka labaad ee is-biimaynta ahi waxa uu isna dhacay 3 saacadood ka dib markii baska la qarxiyey, waxaana fuliyey Falastiiniyiin hubaysan oo rasaas oodda kaga qaaday qaar ka mid ah gaadiidka gaashaaman oo ay wateen ciidanka milateriga ee ilaalada xuduudaha Israa’iil, gaadiidkaas oo marayey dhinaca bari ee magaalada QUDUS waxa halkaa ku geeriyooday taliyihii kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta, weeraradaana waxa sheegtay ururka Xamaas oo ku dooday inay hawl-galadaa fuliyeen naftood hurayaal ururkooda ka tirsan.

Af-hayeen u hadlay ururka Xamaas ayaa ku hanjebay inay sii wadayaan hawl-galada noocaas ah ee ay ku hayaan Israa’iiliyiinta.

Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil weeraradaa ka dib sheegay inay sii wadayaan weerarada milateri ee ay ku hayaan ururada Falastiiniyiinta. Hase yeeshee hawl-galadan u dambeeyey ee ay fuliyeen Falastiiniyiintu waxay muujiyeen aragti inaanay fari ka qodnayn jiritaanka iyo awoodda ururada mintidka ah.

Dhinaca kalena dawladda Marayknaka ayaa cambaaraysay weeraradan u dambeeyey ee ay Falastiiniyintu ku qaadeen Israa’iiliyiinta, isla markaana dunida ugu baaqay in la iska kaashado la dagaalanka wax uu ugu yeedhay kooxaha Argagixisada.

Saambiya Oo Ay Ku Sii Habsatay Abaaro Iyo Cunto Yaraan

By Martin Plaut..BBC.

 

Wadada dhinaca Koonfurta uga baxda caasimadda Saambiya ee Lusaaka waxa waqtiyada qaarkood ka jirey dhalaalka dunida ugu barwaaqaysan, laaakiin hadda waxa ka muuqda abaaro iyo cunto yaraan”, sidaa waxa war-bixintiisa ku bilaabay Martin Plaut oo BBC-da ka tirsan oo dhowaan socdaal ku tegey wadamada Koonfur Afrika, wuxuuna sheegay in marka laga yimaaado roob yaraanta ay gobolka afrikada koonfureed soo food saartay dhaqaale xumo kaga timi dhinac dhawr dhinac oo kala duwan, sida : qiimihii macdanta maarta oo hoos u dhacay, taas oo keentay inuu hoos u dhacodakhligii soo geli jirey Saambiya, sidoo kale go’doominta la go’doomiyey wadanka la jaarka ah ee Simbaabwi ayaa, iyana saamayn ku yeelatay xaaladda dhaqaale xumo ee ku habsatay dalka Saambiya. 

Waxa kale oo, iyana dhaqaale xumada qayb ka qaadatay dagaalo sokeeye oo ka dhacay dalalka la jaarka ah, sida: Angola, Kongo iyo Mosambiik.

Weriye Martin Plaut waxa uu warbixintiisa ku sheegay inay xaaladda Saambiya hadda marayso faro madhnaan dhaqaale tii ugu hooseysay ee soo marta dadka Reer-Saambiya.

Dalka Lisooto (Lesotho) ayaa, isaguna ku jira xaalad abaareed oo la mid ah ta dalka Saambiya, waxaana dalka Lisooto ka baaba’ay dalagyadii beeraha.

Hooyo Reer-lisooto ah oo magaceeda la yidhaahdo Harriett ayaa weriye Martin Plaut tustay sida ay baaba’day beertii ay ka sugayeen raashinkii ay cuni lahaayeen, wuxuuna weriyahaasi indhihiisa ku arkay 5 caruur ah oo ay dhashay hooyo Harriett oo aan haysan wax kayd raashin ah, isla markaana aanay wax cunto ahi guriga u oolin.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Madaxweyne Maamulka Berbera Halala Xisaabtamo

Hadii ay mushkilad maamul ama dhibaato kale ka jirto gobol ka mid ah wadan Cidii ka soo war-bixin lahayd ama wax ka qaban lahayd waa badhasaabka gobolkaa oo ah wakiilka dawladda dhexe ee dalkaa ka talisa, sidoo kale hadii ay dhibaato soo food saarto degmo ka mid ah degmooyinka wadankaa Cidii, iyadana ka hawl geli lahayd ee wax ka qaban lahayd waa maayarka degmadaa.

Hadaba magaalada Berbera oo ah hal-bowlaha dhaqaalaha Somaliland iyo irridda ugu dakhliga roon dalka, sidaa darteed ah degmo muhim ah, hadii aad rabtona adiga oo aan cidna waydiin waad heli kartaa xadiga dakhliga soo gala Berbera, iyadoo uu shaqaalaha ka hawl galaana kooban yahay.

Sidoo kale cusbataalka Berbera oo sida la ogyahay ahaa cusbataalka dalka oo dhan ugu fiican maanta xaaladiisa illaah baa og, aniga oo u arka inuu baaba’ yahay. Sidoo kale xaaladda biyaha Berbera oo ay xaaladoodu aad u fiicnaan jirtay maanta waxa u baxa Mishiin kiro ah.

Hoos u dhac badan ayaa guud ahaan ku yimi muuqaalkii iyo fahamkii bulshada degaankaa, xag siyaasadeed iyo xag dhaqaale intaba, laakiin Cidii intaanay heerkaa hoose gaadhin wax ka qaban lahayd ama ka soo war-bixin lahayd xaaladda meesha taal waa maamulka hadda ka jira magaaladaa, balse waxay su’aashu tahay maxay qabteen maamulku ?.

Inkasta oo aanan xaqiiqdooda ogayn waxa jira warar sheegaya in madaxweynaha hadda la waydiinayo inuu magaalada Berbera kharash ama dhaqaale uga saaro Madaxa loo yaqaan Aafada (T.A), laakiin hadii ay taasi run tahay miyaanay noqonayn Wan weyn badhi ku shub, iyadoo la aaminsan yahay ama ay run-ba tahay inay Berbera tahay meesha dalka ugu dakhliga roon ama ishii dhaqaalaha dalka in Madaxa aafada dhaqaale looga doono.

Ugu dambayn waxaan leeyahay xaaladda maamul ee Berbera hoos aad ha loogu daymoodo, hana la baadho dakhligii gobolka Berbera halka uu ku dambeeyey oo halala xisaabtamo maamulka Berbera.

Xasan Cali Yaasiin, Hargeysa.

Xaafadda Cabdi Iidaan

Xaafadda Cabdi Iidaan ee magaalada Hargeysa oo ka mid ah xaafadaha dhowaan la abuuray ee dadka la dejiyey waxa haysata dhibaatooyin badan, isla markaana ma jirto wax loo qabtay, iyadoo xaafadihii la midka ahaa, sida Kililka shanaad iyo Maxamed Mooge wax walba loo qabtay. Sidaa darteed anaga oo ah ururka dhalinyarada ee la yidhaahdo Al-nuur waxaanu ka codsanaynaa madaxda dawladda, gaar ahaan madaxweynaha iyo madaxda caasimadda Hargeysa (Maayarka iyo labadiisa kuxigeen) inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka aasaasiga ah ee ka jira xaafadda Cabdi Iidaan, anaga oo leh xaafadda Cabdi Iidaan miyaanay dadka ku nooli ahayn dad muwaadiniin ah oo Reer-Somaliland ah.

Cabdi Cismaan Caabi iyo Cismaan Maxamed Cabdi, Hargeysa

Wasiirka Ciyaaruhu Wuxuu U Baahan Siminaar Siyaasadeed

Waxaa aad u yaableh Wasiirka Ciyaaraha Somaliland, oo aan wax aqoon ah u lahayn Siyaasadda guud ee Somaliland, iyo waxyaalaha khatarta ku ah gooni isu taaga Somaliland. Isagoo doorbiday dan gaar ahaaneed oo ka jeestay danta Somaliland markii uu casuumad u fidiyay Kooxda Guddiga Olambikada Soomaaliya, oo ka soo kicitimay Muqdisho iyadoo qofkii aqoonta lahaa iyo kii kaleba ay ogsoon yihiin in kooxdaa Muqdisho ka timid aanay dar Ilaahay iyo Somaliland jacayl aanay u imanin dalka iyadoo ay danohoodu ahaayeen in ay u sheegaan adduun waynaha iyo Qaramadda Midoobay in Woqooyiga Soomaaliya ee la magac baxay Somaliland, iyagu uga taliyaan Muqdisho wixii ay uga baahan yihiin mucaawimo xagga Isboortiga ay xamar ka keenayaan.

Wasiirka ciyaaraha Somaliland, wuxuu yahay nin siyaasi ah intaanu wasiir ciyaaraha noqona waxay ahayd inuu iska garto siyaasada ay kooxdaasi la socoto iyadoo ay kooxdaasi uu ugu soo hoos gabaday Isboortigu wuu ka baxsan yahay siyaasada. Waxaanu mahad celinayaa Wasiirka arrimaha gudaha isagoo ka xigmad dheeraaday wasiirka ciyaaraha oo iska gartay khal khalkay kooxdani ay galin kari lahayd dalkan Somaliland, isagoo Wasiirka ciyaaruhu meel wayn kaga dhacay dhammaan Shacbiga Somaliland gaar ahaan ciyaartowga & garsoorayaasha Somaliland.

Waxaan ku soo gunaanadayaa Wasiirka ciyaaruhu wuxuu u baahan yahay in siminaar uu siyaasada wax kaga barto loo fidiyo.

Cabdale Maxamuud Qardhab. Hargeysa.

Taliyuhu Wuxuu Difaacayaa Budhcadda

Taariikhdu markay ahayd 5/06/02 waxaa ka dhacay magaalada Burco kufsi lagu sameeyay gabadh ah muwaadinad Reer Burco ah, waxaana kufsigaa sameeyay niman ka tirsan Ciidanka Qaranka qaybta 12aad ee gobolka Togdheer Burco.

Waxaana arrinkaas in wax laga qabto ishortaagay, oo diiday Taliyaha qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka, waxaana uu diiday xeer ilaalintu waarankii ay u dirtay, waxaana u difaacayaa oo hortaagan dacwadaas oo diiday xataa in marka laga qoro eedaysanayaasha, Taliyaha qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka G/Togdheer Burco.

Sidaas darteed waxaan ogaysiinayaa masuuliyiinta Ciidanka Qaranka JSL xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo hay’adaha sharci ahaan oo dhacdadani khusayso. In Taliyaha qaybtu difaacayo budhacad adeegsatay direyska Ciidanka, iyadoo dhacdadani tahay dhacdo leh cadaymeheeda iyo sugnaanteedaba.

Masuuliyiinta Dhibanaha.

Warsame Gooraan Cali

Qaasim Axmed Ducaale

Maxamed Axmed Ducaale.

Maamulka Sare Hakala Barto Ninka

Geela Loo Dirayo Iyo Ninka Maqasha Loo Dirayo

Dadka reer Somaliland waxa caado u ah maagista nin xil haya iyagoo ku maagaya arrimahan hoos ku qoran 1) qabyaalad 2) hunguri, 3) magac ka dil 4) shakhsi diid

Sidaa darteed haddii aanu nahay dhalinyarada baayacmushtarka iyo waxgaradba waxaanu cadaynaynaa wax qabadka Gudoomiyaha gobolka Saaxil Xasan, X. Max’ud iyadoo muddo aan badnayn uu hayay xilka intaasna laga wareejiyay cashuuraha D/hoose laguna wareejiyay Wasaaradda maaliyada haddana waxqabadka Xasan waakan hoos ku qoran:

1.       Wuxuu dhisay gobolka saaxil Berbera oo dhulka la siman

2.       Wuxuu dhisay 26 Juun guryana ka dhex dhisay

3.       Wuxuu dhisay aqalka Xusbigii S.N.L. oo uu gaydhkii ku wareejiyay

4.       Wuxuu dhisay gidaarka dheer ee isku xidha gobolka iyo baanka

5.       Wuxuu dhisay gidaarka dheer ee wareegsan ee dhirta iyo daaqa

6.       Wuxuu dhisay Istaad hawskii hore xerada quruxda badan ee ka soo horjeeda

7.       Wuxuu dhisay dhakhtarka xannaanada caruurta gidaarka ku wareegsan

8.       Wuxuu dhisay dhismaha beerta jardiinada leh u ee dhaxaysa Bilayska iyo gobolka

9.       Wuxuu sameeyay kaabadaha siiroga leh ee sacaadaha leh

10.    Wuxuu sameeyay laydhka baabuurta kala joojisa caasimaduna kaga dayatay

11.    Wuxuu sameeyay wadooyinka Berbera dhexdeeda mara

12.    Wuxuu sameeyay Guryo badan oo dawladdu leedahay oo uu dayac tiray

13.    Gaadiidka D/hoose 15 gaadhi oo uu iibiyay laguna shaqeeyo nadaafada magaalada iyo isgaadhsiintaba dayactiray

14.    Baabuurta Bilayska oo uu iibiyay

15.    Taageerada dhakhtarka oo uu wax ka qabto

16.    Taageerada dadka jicsan oo uu wax taro iyo waxyaale kale oo badan oo aananu soo koobi karin faan aanu faaninayno maaha ee waa waxqabad caddaana .

Jamaal Siciid Maxamuud

Axmed Cabdi Ducaale

C/Risaaq Siciid (Saqiiro)

Cali Maxamuud Ducaale

Maxamed Axmed Aadan

Cabdi Maxamed Cigaal (Askar)

Axmed Aw Maxamed Axmed

Maxamuud Cabdi Gadharo

C/Llaahi Aw Maxamed (Xukun)

Bacaad C/Llaahi Cumar

Yuusuf Cali Nuur

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Lennox Lewis Oo Sheegay

Inuu Tartamada Feedhka Ka Fadhiisanayo

London (Reuters): Feedhyahanka Caalamiga ah ee Lennox Lewis, ayaa ku adkaysanaya in aanu dib ugu laaban doonin Edegga Feedhtanka.

Horyaalka feedhka adduunka ee reer Britain, wuxuu xaqiijiyay in hadda hawl-galkiisu dhammaaday, wuxuuna ragga feedhtanka diyaariya u sheegay in haddii ay doonayaan inuu Lennox feedhtanka dib-u-bilaabo ay lacag badan bixiyaan.

“Qiimahaygu kor buu u kacay.” Sidaa wuxuu u sheegay Wargeyska The Observer, isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan bal inuu dib ula feedhtamayo Mike Tyson, Evander Holyfield, ama Vladimir Klitschko.

Lennox wuxuu itnaa ku daray oo uu yidhi; “Haddii ay doonayaan in ay ila dagaalamaan wiilashaasi, waa in ay lacag badan igu iibsadaan, waana sida keliya ee aan tababarka dib ugu soo laaban karo.”

Lewis wuxuu hore u garaacay midkasta oo ka mid ah, feedhyahanada ku shaqaysta mihnadda oo ay iska horyimaadeen, wuxuuna ka yaabiyay dhammaan khibradlayaashii uu Tyson ugu dambeeyay oo uu ku dilay Memphis, bishii Juun.

Lewis wuxuu sheegay in haddii markasta la feedhtamo, ay la mid tahay sidii qofka daroogada qabatimay.

“Hore ayaan u sheegay in aan hawl-galka joojinayo, haddana waxaa la gaadhay wakhtigii ku haboonayd in aan soo gunnaanado feedhtanka,” ayuu ku daray Lewis.

 

Ronaldo Oo Lacag Ugu Deeqay Cusbitalka Brazil Ku Yaalla

Rio de Janeiro (AP): Geesiga kubadda cagta ee reer Brazil Ronaldo, ayaa deeq lacageed oo gaadhaysa $ 35,000 (Shan iyo soddon kun oo dollar) ugu deeqay Cusbitaal lagu daweeyo cudurka Kansarka (Cancer) oo ku yaalla magaalada Rio de Janeiro.

Ronaldo wuxuu tallaabadan qaaday markii uu dhawaan booqday Cusbitaalkaas, kadibna wuxuu ku caawiyay qayb ka mid ah lacagtii uu abaalmarinta u helay markii isaga iyo kooxdiisu ku guulaysteen koobka adduunka.

Ciyaaryahanka dhallinta yar oo ay weheliyaan afadiisa iyo wiilka ay dhaleen ee laba jirka ah oo booqday Machadka Caalamiga ah ee Cudurka Kansarka (Cancer), wuxuu sheegay inuu qayb kale oo ka mid ah lacagtii uu ku guulaystay oo dhammayd $ 150,000 (Boqol iyo konton kun oo dollar) uu ku caawin doono Cusbitaal kale, hase yeeshee Ronaldo ma caddayn tirada lacagta kale oo uu bixinayo iyo Cusbitaalka uu la damacsan yahay midna.Ronaldo waxa kale oo uu sheegay in dhammaan lacagaha uu ka helo horyaalada uu u qaybin doono Cusbitaalada kale ee ku yaal Brazil.

Ronaldo waxay booqashadiisu ku qaadatay dhawr saacadood oo uu intooda badan ku dhex jiray carruur badan oo Cusbitaalkaa lagaga dawaynayo cudurka, sidoo kale wuxuu carruurta bukaanka ah la galay sawiro, iyaga oo carruurta intooda badanna uu siiyay saxeexiisa oo ay ka codsadeen.

Ronaldo maaha markii ugu horaysay ee uu deeq gudoonsiiyo dadka bukaanka ah iyo carruurta, balse wuxuu marar badan oo hore deeqo maaliyadeed oo kala duwan siiyay carruur badan oo ku dayacan waddanka uu u dhashay iyo meelo kale oo badan, qaar ka mid ah kaalmooyinkii uu bixiyay ayuu ku mutaystay in la siiyo abaalmarino Caalami ah oo uu ka mid yahay Baasaboorka Qaramada Midoobay.

Henry Oo Arsenal Ku Sii Negaanaya

London (Reuters): Weeraryahanka Thierry Henry, ayaa ku ballanqaaday inuu mustaqbalkiisa fog ku qaadanayo Arsenal.

Weeraryahanka Faransiiska ah oo 24-gool ku khatimay tartanka gool-dhallinta Engiriiska, xilli-ciyaareedkii tegay, wuxuu ogolaaday heshiis cusub oo 15 milyan oo Gini uu shan xilli-ciyaareed ku qaadanayo guriga kooxda London.

Henry wuxuu sheegay in Arsenal ay aad u jeceshahay, sidaa darteed uu isna doonayo.

“Taageerayaashu waxa ila jecelyihiin halkan, dadkuna kalsooni badan bay ii hayaan, sidaas darteed weligay ka tegi maayo dadkaas.” Sidaa waxa Wargeyska The Sunday Mirror u sheegay Henry.

24-jirka weerarka ah oo laba sannadood uga hadhsan tahay heshiiskiisii hore, waxa uu diiday dhawr dallab oo meelo kala duwan uga yimi, ka hor intii aanu saxeexin heshiis qarsoodi ah oo la filayo inuu yahay 60,000 oo Gini oo toddobaadle ah.

“Xilli-ciyaareedkii tegay, waxaan ku guulaystay kabaha dahabka ah, Arsenal-na waxay ku guulaysatay laba koob, haddana waxaan doonayaa in aan guushaa u difaaco Kooxda,” ayuu ku daray.

Arsenal waxay ku talo jirtaa in ay sidoo kale sii haysato, ciyaartoyga khadka dhexe ee Patrick Vieira.