Haatuf, Cadadki 131, Aug.6, 2002

Guddi Iskii Isugu Diray Badbaadinta Aayaha Siyaasadeed Ee Ururka SAHAN

“Waxaanu qabnaa in aan dhinac-naba diidmo nagaga imanaynin”

Eng. Baashe Cabdi Gaboobe

Hargeysa (Haatuf): Guddi 5-xubnood ka kooban oo iskood isu xilqaamay, ayaa isku dayaya in ay soo dabaallaan khilaaf circa isku shareeray oo kala jabiyay siyaasiyiinta ururka SAHAN, isla markaana khatar ku ahayd aayaha siyaasadeed ee ururkaas.

Guddigaas oo ka kooban lix xubnood oo ku abtirsada ururka SAHAN, waxay hawsha dhexdhexaadinta isugu taageen si iskood ah, iyadoo aanay cidina magacaabin.

“Maanta (Shalay), waxaanu la kulanay shir-guddoonka ururka si aanu u ogaysiino hawsha aanu iskayo u go’aansanay ee ah dhexdhexaadinta, wixii tallooyin ahna uga qaadano.” Sidii waxa yidhi, Eng. Baashe Cabdi Gaboobe oo ka mid ah, guddigaas. Inj. Baashe, wuxuu intaa ku ladhay in shir-gudoonka ururku ku hambalyeeyay qorshahaa ay guddi ahaan qaateen, isla markaana ay ku ballameen in ay ka wada socdaan hadba sida arrintu tahay, wada-tashina ay ka lahaadaan.

Inj. Baashe, wuxuu xusay in ay guddi ahaan isu arkaan dhexdhexaad, haddii cidi aanay u aragnaa ay u furan tahay in ay ka soo qayb-galaan, waayo guddigu waa mid furan ayuu yidhi; “Tiro ahaan oo laga soo qayb-geli karo.” Waxaanu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Weli si toos ah ulamaanaan xidhiidhin dhinacyada ururka, waayo waxaanu qabnaa in aanay diidmo nagaga imanaynin.”

Inj. Baashe, waxa uu sheegay in ay guddi ahaan rajo wayn ka qabaan in ay ku guulaysan doonnaan dhammaynta khilaafkaas ururka dhexyaalla. Waxaanu intaa raaciyay in ay maanta, si rasmi ah u gudda-geli doonnaan hawsha dhexdhexaadinta ee ay isu-xilsaareen.

“Ururka SAHAN, beryahan waxaa laga dhigayay sidii mid qarka u saaran burbur, hase yeeshee waxaanu u sheegaynaa taageerayaashayada in aanay ururka xaaladiisu halkaas taagnayn, ee arrintu ay tahay uun hawl dimoqraadiyadeed,” ayuu yidhi Inj. Baashe Cabdi Gaboobe, waxaanu intaa ku sii darray, intaasna ay doonayaan in ay si dhakhso ah u dhammaystiraan. Inj. Baashe, waxa kale oo uu xusay in aanay jirin muddo go’an oo loo qabtay in ay ku fulliyaan hawshooda, balse wuxuu xusay in ay ku dedaalayaan si dhakhso ah in ay uga faraxashaan arrintaas.

Mid ka mid ah siyaasiyiinta labada kooxood ee is-khilaafsan ee ururka SAHAN, waxaa ka mid ah Xubnaha ka dhex muuqda Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Inj. Maxamed Xaashi Cilmi, kooxda ka soo horjeedana Xubnaha ugu cad-cad waxaa ka mid ah, Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Cabdi Iskeerse, Abiib Diiriye iyo qaar kale. Qodobada ugu waaweyni ee khilaafka dhalliyay, waxaa ka mid ah; qiyaadadda ururka jagadaas oo la sheegay in Xubnaha qaarkood ay u feedhanayaan, sidii ay u qaban lahaayeen, una hoggaamin lahaayeen ururka.

Waxa kale oo arrimaha khilaafka huriyay ka mid ah, siyaasiyiinta qaarkood oo la sheegay in ay u ololaynayaan sidii ururku ula midoobi lahaa urur kale, isla markaana aaminsan in aanu ururku gaar isu taagan, halka qaar kalena aaminsan yihiin in ururku gaarkiisa isu taago kana mid noqdo ururada loolamaya ee siyaasadeed. Si kastaba arrintu ha ahaatee, wuxuu xaalku gaadhay in ay labada dhinac isku qancin kari waayaan aragtiyaha ay kala aaminsan yihiin, taasina ay dhalisay inuu laba maalmood qabsoomi waayo shirweynihii ururku, kadib markii labada kooxood mid ka mid ah oo diidanayd inuu shirku furmaa ay gaadiid ku jartay barxaddii shirku ka furmi lahaa oo Xarunta ururka ee Hargeysa ahayd.

Inkastoo khilaafka siyaasadeed ee ururku marayo heer halis ah, haddana Xubnaha guddigan cusub ee guntiga u xidhay furdaaminta arrintaasi waxay ku dooddeen in ay rajo-weyn ka qabaan heshiis dhexmara siyaasiyiinta labada kooxood u kala jabtay ee ururka. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah, Xubnaha labada kooxood midkood oo aanu wax ka waydiinay, sida ay yeelayaan haddii dhexdhexaadintu midho-dhal noqon waydo, ayaa ka bixiyay arrintaas jawaabtan kooban:

“Waxaanu ku rajo waynahay in ay dimoqraadiyaddu shaqayso oo aragtiyada kala duwan lagu xalliyo wada-hadal iyo wallaaltinimo. Khilaafkayaguna uu noqdo tijaabo dimoqraadiyadeed.” Dr. Gaboose, wuxuu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Laakiin, haddii wada-hadal lagu dhammayn waayo arrinta, markaas waxa la raacayaa hadba halka dadku u badan yahay ee sharciga ururka waafaqsan.”

Dhinaca Kooxda kale ee siyaasiyiinta ah ee fikir ahaan ka soo horjeeda ayaan iyana la ogayn, sida ay u aragto hindisahan cusub ee dhexdhexaadinta iyo aragtidooda la xidhiidha tallaabada ay qaadi doonaan haddii xal la gaadhi waayo.

Carwo Ganacsi Oo Ay Somaliland

Iyo Itoobiya Wada-Jir U Qabanayaan

Carwadii 3aad ee Somaliland oo la soo geba-gabeeyay

Hargeysa (Haatuf): Carwadii 3aad ee lagu soo bandhigay wax-soo-saarka dalka oo muddo 5-cisho ah ka socotay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha, ayaa shalay gelinkii dambe la soo geba-gabeeyay.

Carwadan oo ay wax-soo-saarkooda ku soo bandhigeen ilaa 50 shirkadood oo ka kala socday Gobollada dalka, waxa abaalmarino lagu guddoonsiiyay saddex ka mid ah ka qayb-galayaashii Carwada oo ku guulaystay in ay sannadkan qaataan abaalmarintan oo sannadkasta la bixiyo, kuwaas oo kala ah:

§         Wershada Hargaha ee Burco

§         Hotel Ambassador iyo

§         Ururka Haweenka ee STS.

Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland, Rashiid X. C/laahi Guuleed oo hadal ka jeediyay munaasibadii lagu soo geba-gabaynayay carwada, ayaa sheegay in dhawaan dalka lagu qaban doono Carwo ay si wada-jir ah u soo bandhigayaan Ganacsatada Somaliland iyo Ganacsatada dalka Itoobiya, inkasta oo aanu wakhti cayiman u qaban xilliga la qabanayo, waxaanu u mahadnaqay soo qaban-qaabiyayaashii carwadan.

Carwadan oo ah tii 3aad ee dalka lagu qabto, waxa ka soo qayb-galay muddadii ay socotay dadweyne aad u farabadan iyo shirkadda kala duwan oo ku soo bandhigay qallab iyo adeegyo kala duwan.

Nin Shicib Ah Oo Toogasho Ku Dhaawacay Hawl-Wadeen Ka Tirsan Wakaaladda Biyaha Burco

Burco (Haatuf):- Nin ka tirsan shaqaalaha wakaaladda biyaha ee Burco ayaa maalintii shalay la dhaawacay isaga oo ku gudo-jira hawl biyo-gelin ah.

Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Axmed Cilmi ayaa waxa dhaawaca gaadhsiiyay nin deggan xaafad biyo-gelini ka socotay oo ka tirsan magaalada Burco, kadib markii ay shaqaalaha wakaaladda biyuhu isku dayeen inay qasabad ka tallaalaan beeb kale oo uu lahaa ninka dhaawaca geystay oo ku doodaya inaan biyaha laga gashan karin, maadaama uu isagu leeyahay. Laakiin sida uu ku soo waramay weriyahayaga Burco qodobka 10aad ee heshiiska biyo-gelinta ayaa dhigaya haddii beebku dhulka galo waxaa leh dawlada, cid kasta oo muwaadin ahna waa looga talaali karaa.

Weriyaha oo la xidhiidhay ciidanka booliska ee Burco, isaga oo weydiiyay in la qabtay ninkii dhaawaca geystay ayaa sheegay inaan ninkaa la qaban, balse lagu daba jiro raadkiisa, si loo qabto.

Falalka dilka iyo dhaawaca ayaa beryahan dambe ku soo badanaya Burco, taas oo ay caado noqotay in aan la qaban oo ay baxsadaan dadka falalkaa geysta, iyada oo aanay boolisku gacanta ku dhigin ama aan la marin ciqaabtii ay mutaysteen.

Xukuumadda Ingiriiska Oo

Beenisay Weerar Lagu Qaadayo Ciraaq

London (W. Wararka): Markab dagaal oo ay leedahay Boqortooyada Ingiriisku (UK) oo lagu magacaabo ARK-Royal oo ay la socdaan ciidamada cirka ee loo yaqaan RAF (Royal Air Force), 1300-askari oo ciidamada Badda ah, Helikobtariska Marlin, nooca wax baabi’iya ee (42) iyo weliba ciidamada taakulaynta ee badda ARK Royal oo wata dhammaan saanadda milateri, ayaa ka amba-bixi doona meesha loo yaqaan Ports Mouth, muddo toddobaado gudahooda, iyagoo tegi doona Badda Maditareeniyanka.

Amba-baxa Markabkaas ee soo shaacbaxay, ayaa dhaliyay in ay dawladda Ingiriisku ka qayb-qaadanayso dagaal la filayo inuu Maraykanku ku qaado Ciraaq. Laakiin Afhayeenka Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska, ayaa beeniyay inuu jiro ka qayb-gal ay dawladda Ingiriisku ka qayb-galayso dagaal hadda lagu dhaqaaqayo oo ku beegan dalka Ciraaq, waxaanu sheegay in Markabka ARK Royal uu u tegayo Badda Midhatereeniyanka, si uu uga qayb-galo dhoolla-tus ay samayn doonto Gaashaanbuurta NATO oo la qaban-qaabinayay 18-bilood ee labadii sannadood ee tegay.

Tam Dalyell oo ah Mudane Baarlamaanka ah oo ka tirsan Xisbiga Labour-ka Ingiriiska ee ah ragga doodda kulul ku caanka ah, ayaa warqad uu u qoray Ra’iisal wasaraha Ingiriiska, Tony Blair ugu sheegay inuu sharciyan xaq u leeyahay inuu dood ka dhiibto arrinta ah; Ingiriiska oo ka qayb-galaya weerar uu Maraykanku ku qaado Ciraaq.

Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska, ayaa xusay in aan la moogaan karin Sadam Xuseen oo samaysanaya hubka halista ah khatar ku jirta.

Saraakiisha dawladda iyo Mr. Blair, waxay weli ku adkeysanayaan in aanu weli jirin go’aan ay gaadhay dawladda Ingiriisku oo ay kaga qayb-galayso, weerar lagu qaado Ciraaq.

Aragtida 10-Mudane oo uu ka mid yahay Mr. Dalyell oo ah, in aan Ingiriisku taageeraynin weerar ka dhanna Ciraaq, waxaa laga yaabaa in ay keento in Tony Blair uu isugu yeedho Baarlamaanka Ingiriiska horraanta bisha September ee inagu soo aaddan sannadkan 2002.

WARARKA DIBADDA

Jabhadda LRA Ee Uganda Oo Qabsatay

Xero Qaxootiga Suudaan, Waqooyiga Uganda

Haatuf (W. Wararka): Jabhadda Yugandha ka dagaalanta ee loo yaqaan LRA (Lords Resistance Army), ayaa shalay Subax weerartay Xerro ay ku jiraan qaxooti u dhashay Sudaan oo ku taal woqooyiga Yugaandha.

War laga soo xigtay hay’ada qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegay in ay jabhada LRA ay weerartay xerada Achol-pii halkaasoo ay ka qaxeen 24,000 oo ahaa qaxootigii ku jiray xeradaa. Warkani wuxuu intaa ku daray in askarta jabhada LRA ay xoog ku qabsadeen cutubkii halkaa ka joogay Ciidamada Yugaandha, waxaanay haysteen xeradaa 2 saacadood iyagoo bililiqaystay wixii yaalay xeradaa. Jabhadan LRA oo sanado ay taageeraysay dawlada Sudaan, waxay ka dagaalamaysay dalka Yugaandha (16) sanadood.

Weerarkan jabhada LRA wuxuu dhacay maalmo yar ka dib booqasho uu ku tagay woqooyiga Yugaandha M/weynaha dalkaasi Yoweri Museveni isagoo amray in weerar ay ciidamadii ku qaadaan Jabhadaa LRA.

Hay’ada UNHCR ee qaxootiga ayaa ka werwersan in dhimasho badani ay ka dhacday weerarkii Ciidamada LRA ee xeradaa iyadoo ku sababeeyay in askarta jabhada LRA ay ka qabsadeen Ciidanka Yugaandha ee aaggaa joogay taangiyadii ka dibna ay ku jeediyeen shicibkii iyo Ciidamadii dowladda Yugaandha ee xeradaa qaxootiga ku sugnaa.

Ciraaq Oo Dalbatay In Loo

Soo Diro Baadhayaal Dhinaca Hubka Ah

Baqdaad (W. Wararka): Gudoomiyaha Golaha baarlamaanka Ciraaq Sacadu Xamdu ayaa ku marti qaaday Golaha Kongereska Maraykanka inay u soo diraan xubno ka tirsan oo baadhitaan ku sameeya hubka halista ah ee la sheegay inay Ciraaq samaysanayso dhanbaal, qoraal ah oo uu Mr. Xamdu u diray Kongereska shalay waxa uu intaa ku daray inay xubnahaasi la socdaan xeel dheerayaal ku shaqo leh dhinaca hubka ayna booqdaan goob kasta oo lagu tuhunsanyahay in hub lagu qarinayo. 

Dhinaca kalena Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa maanta isugu imanaya shir ay kaga fiirsanayaan Ciraaq oo dalbatay inay dalkeeda dib ugu soo laabtaan kormeerayaashii dhinaca hubka ee qaramada midoobay ka socday.

Arimahani waxay ku soo beegmeen iyadoo maalmahanba la hadal hayay inuu Maraykanku isku diyaarinayo weerar uu ku qaado Ciraaq iyadoo ay magaalada Baqdaadna ka dhaceen mudaharaado lagaga soo horjeedo hanjabaada Maraykanka ee ah inuu weerarayo Ciraaq

Dawladda Maraykanka Oo Diyaarinaysa

Qorshe Cusub Oo Ay Kula Dagaalanto Al-Qaacida

Washington (AFP): Dawladda Maraykanka ayaa diyaarinaysa qorshe cusub oo lagu fulinayo hawlgalo sir ah oo lagula dagaalamo waxa ay ugu yeedheen argagixisada, laguna burburinayo dhufaysyada ay Al-qaacida ku dhuumanayaan meeshay doonaan ha ku yaaleene.

Qorshahan oo loogu talo-galay in lagu fulin karo hawl-galo degdeg ah markasta oo loo baahdo, iyadoo oo la iska ilaalinayo wixii dib u dhac ah waxaa diyaarintiisa ku hawlan Wasaarada Gaashaandhigga ee Maraykanka. Waxaana qorshaha ku jirta in la sameeyo iskaashi dhexmara dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidamada, iyadoo hawlgaladanna loogu talo galay in lagu fulin karo dhammaan dalalka lagu tuhmayo in ay Saldhigyo ku leeyihiin argagixisadu iyo in la soo qabqaban karo xubnaha lagu tirinayo Al-qaacida ee lagu dabo jiro.

Qorshahan cusubi wuxuu ka dambeeyay iyadoo ay dawladda Maraykanku ku guulaysan wayday soo qabqabashada hogaamiyayaasha Al-qaacida oo uu ugu horeeyo Usaama Binu Laden oo aanay cadayn halkuu joogo.

Hawlwadeen Ka Tirsan Hay’adda FAO Oo Muqdisho Lagu Afduubay

 

Muqdisho (W. Wararka): Hawl-wadeen ka tirsan Hay’adda cuntada iyo Beeraha ee FAO ayaa lagu afduubay shalay magaalada Muqdisho.

Mr. C/Qaadir Maxamed Abiikar oo howlwadeen ka ah barnaamijka (FSU) ee digniinta cuntada iyo wax-soo saarka ayaa dablay ka af-duubeen meesha loo yaqaan nambar Afar (No. 4), waxaanay dableydaasi wateen gaadhi nooca (124) Fiat.

Ilaa hadda ma cadda cida iyo haybta afduubtay hawlwadeenkaasi, waxayse shaqaalaha kale ee Soomaalida ah ee ka hawlgala hay’addaa xafiisyadeeda Muqdisho isku dayayeen inay ogaadaan cidda afduubtay C/qaadir Maxamed Abiikar, si loo qaado talaabooyinkii lagu badbaadin lahaa ama lagu sii dayn lahaa hawl-wadeenkaas.

2500-Kaniisadood Oo Gaashaanka Ku Dhuftay In Ciraaq La Weeraro

 

London (W.wararka) – Baaq qoraal ah oo ay soo qaban-qaabiyeen, saxeexeena 2500 ooah kiniisadaha ku yaal dalka Ingiriiska iyo ururo diineed ayaa maanta la gaadhsiinayaa dawlada Ingiriska.

Qoraalkani wuxuu ka soo hor-jeedaa weerar uu Maraykanku ku qaado dalka Ciraaq inuu yahay xad-gudub, haddii aanay ahayn go’aan ay Qaramada Midoobay wadato oo ay isku raacdo.

Qoraalkan waxaa ka mid ah oo saxeexay Rowan Williams oo ah Baaderi ku caana dalka Ingiriiska.

Qoraalkani wuxuu ku tilmamaayaa weerar lagu qaado Ciraaq oo aan ahayn go’aan Qaramada Midoobay isku raacday inuu yahay mid ka hor imanaya mabaadi’ida niyadeed ee diinta Masiixiga.

Dagaal Dhexmaray Askar Ka

Falaagowday Iyo Ilaalada Madaxtooyada Nayjar

 

BBC (Niamey-Nayjer) –  Ilaalada madaxtooyada Dalka Nayjar ayaa jebiyay askar gadooday oo dagaal ku dhexmaray caasimadda dalkaas ee Niamey.

Mr. Hama Amadon ayaa sheegay in ilaalada madaxtooyada ee Nayjer ay ka adkaadeen askartii falaagowday subaxnimadii maalintii shalay.

Mr. Amodon wuxuu u sheegay idaacada dalkaa in askartii kacdoonka samaysay laga adkaaday, magaalada caasimada ah ee Niamey-na ay hadda gacanta ugu jirto ciidamada dawladda Nayjar, kadib markii uu habeen hore dagaal culusi mudo saacado ah dhexmaray askar falaagowday iyo ciidamada dawladda Nayjar.

Wasiirka Gaashaan-dhiga ee Nayjar ayaa isna idaacada dalkiisa u sheegay in la xidhay tiro askara oo ahaa kuwii ka qaybqaatay kacdoonkii askarta, iyada oo kuwo kalena raadkoodii lagu taagan yahay.

Idy Baraou oo BBC-da ka tirsan oo ku sugan caasimadda Nayjar ee Niamey ayaa sheegay in 100 askari oo falaagoobay ay kacdoonka ka qaybqateen, iyo inuu dagaalka ka dhacay magaalada Niamey ee dalka Nayjer uu ahaa mid culus, laakiin hadda ay deggen tahay xaalada caasimadda dalka Nayjer.

RAADYOW MA QALOOCSHE

A. A. Garas

 

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydun kala xidhiidhaan mawjadaha kaftanka kiiloo mitibaan iyo ilaaqda meegu heertisi. Akhyaartayada indhaha yuubyuuban, waxaan idin hulluuqsiin doonaa warkii dunida, waxaana maanta idinla eegan doona Weriye Mr. War la yuurur.

Warkii Oo Yuurara

Madaxyuubka Jamhuuriyadda Shankaroonland, ayaa habeen dhaweyd jeebka gacanta geliyay, waxaanu ka soo saaray Bahal wasaarad cusub ah, taas oo loogu yeedho Wasaaradda Xaawalayda iyo xaaslayda, bilista iyo badbaadintooda.

Madaxyuubku mar kale ayuu is cadibay oo sameeyay Wasiirad lagu sheegay Afo mudakar ah. Afadaas oo laga soo naqaystay suuqyada sare ee siyaasadda lagu iibiyo. Inkasta oo la sheegaayo in samaynta wasaaradda, Madaxyuubku foormaan ka ahaa, waxaase lagu ladhayaa in ay kuuli ka ahaayeen qaar ka mid ah ministaradiisii hore, wasaaraddan oo ah tegnoolajiga ama alaabooyinka casriga ah ee odaygu sameeyay, waxase dadbadan mirqaan ka muujiyeen xariifnimada Madaxyuubku ku sameeyay wasaaraddan cusub iyo waliba sida uu ku magacaabay wasiiradaa jadiidka ah, oo la sheegay in ay dhistay cusbitaal inan ragba u itaal waayay.

Muraadada wasaarad loo sameeyay ayaa lagu sheegay isqabis-xumo laxaadle oo soo food saartay qoysaska Shankaroonland. Sidoo kale waxa la ogaaday furiin barar bilaa qiyaas ah, taas oo carruuro badan caano tiray, kadib markii ragii iyo naagihii dhalay isdirireen ee ay dalqado isla dhaceen, wiil yar oo Madaxa nabar kaga yaalay oo ma qaloocshe waraysi la yeeshay ayaan ku idhi; “Waar Madaxa maxaa kaaga dhacay, ma ciyaal is dhagax tuuraya ayaa ku dakhray?” Ayuu wiil kii yaraa iigu jawaabay; “Maya, ciyaalna dhagax iguma dhufane, waxa igu dhacday dalqad aabahay hooyaday ku sii waday oo dakharkaas ii gaysatay.”

Ruux dumar ah oo iyana ku dhaawacantay dalaaqo badan oo rag la dhacay, ayaa tidhi; “Allaylahe, imika ayaanu wasaarad ragga naga-rawda.”

Haddaba, qabniin-qasankan oo aan la ogayn dawlad kaalmo inoo siisay iyo kambani soo saara toona, ayaa sababaha loo kala garan la’yahay Xille-bilaalnimo xagga raga ah iyo xishood-daro xagga dumarka ku dhacday. Habro u kuur-galay amuurtaa, ayaa furiin-bararka ku macneeyay, dukaamada uu wax ka iibsado aydhisku, iyadoo carmal-nimadana ay cashadiisa tahay.

Qoys-burburkan oo ahaa cudurrrada Shankaroonta khatarta badan ku hayay, walaw xukuumadduna ay dadaashay oo ku caawisay qaadiyo qoysaska isqilaafa, degdeg u kala fura. Waxaase hadda dabadeed la rajaynayaa in wasaaraddan cusubi siin doonto casharo lagu barto siyaalaha laysu qabo.

Sidoo kale, waxa iyana la filayaa in dhawaan la magacaabo wasaaradda garaabada, qaadka, qaxwaha mafrishyada iyo mirqaanka, iyo wasaarada cusburka iyo cilaanka.

SAHAN

Mid ka mid ah maqaaxiyaha siyaasadda ka ganacsada oo Sahan la odhan jiray, ayaa la sheegay in ay u xidhantay khilaaf ka dhex dhashay kuuggaga iyo kabaryeeriyada, waxaana subax dhaweyd laysla dhicigaadhay kubaayado iyo kilaadhida siyaasadda lagu kariyo.

Xayraankan maqaaxida xidhay, ayaa sallaxmay kadib markii ay dhaceen in ay shirto kuug badan oo maqaaxidu ka dhaxaysay, si ay guddoonshaha maqaaxida u doortaan. Kabaryeeriyadan ayaa ah rag nin kastaba baarqab isu magacaabay oo raga-nimo lala kala dambayn waayay. Nin Af-Carbeed ku maahmaahay, ayaa yidhi; “Idaakasara, dabaakhuuna, fasaqal maqaaxida.” Iyadoo habar kalena tidhi; “Idaa kasara Amiinul urur, fasaqal SAHAN.” Maqaaxida oo ahayd meherrad xoog iyo xoolo door ahiba galeen, haddana ragii lahaa ayaa la sheegay in ay ku istareexsan yihiin baaba’a meherradooda.

Haddaba, arrintani, waxay naanays u soo hoysay meheradaha la filka ah ee doonaya in ay talada dalka isku raraan, iyadoo la sheegay in maqaalufada maqaaxida xidhay, dalna awoodin in ay hagaajiso.

Dawladda Shankaroonta oo ku jirta dugsiga hoose ee barashada xisbiyada, ayaa raga qaar sheegayaan in dalku galay Jaamacad macalinkeedii dhintay.

Dhegeystayaal, maanta warkii halkaasaan ku seexinayaaye, yaan layga toosin, heestana bilaash ku dhegeysta.

Qosol habardugaag cunay,

Qaybsadoo cantuugada

Ninba qurubyo u helaybaan,

Ku qabsaday darraad galab.

Sida adhi mirqaamoo

Orgiyada gadh-dheerta ah,

Gaaladu arkeenoo

Itixaadyadii iyo

Ururadii al-qaaciida

Inta ay u qaateen

Askartii maraykaan

Ooy eryanayaan

U galay Afbagistaan.

Afartaa duqeeyaye,

Beel soo durdurisaa

Xisbi doobyayaa helay,

Deg-deg laysu fara-saar

Dumarkiyo ciyaalkiyo

Dublamaasiyiintii

Qofba ruux timaha laac.

Iyagoo is-dilayoo

Is-dhamaysanlaabaa

Gurmad gaba u siiyo

Hees cadho ka buuxdoo

Caashaq lagu walaaqoo

Jacayl lagu salooloo

Sonkor looga dhigay  been,

Ayaan ururadii iyo,

Beelii ku kala furay.

Gabadh heestay baa tidhi

Xilka xaafadaa ii yaal

Tuugiyo badheedhaba

Hadduu jeebka kuu galo

Ama guudka kaa koro,

Sideebaad u gelilayd

Ma godbaad ku ridilayd,

Garays iyo surwaaliyo

Ma gambaad ka dhiganlayd,

Mise gaadhi quruxliyo

Garandaad la korilayd

Ma gaajada ku haysaad,

Uga dhigan lahayd garab.

Sidee baad u gelilayd.

Horta anigu yaabaye,

Xilkan laysu dhiibaa,

Ma maqaaxi shaahaa,

Ma burcaan ka imi iyo

Waa yeelkadaabaa?

Mise daafidii ay

Xabashidu cunaysaa?

Ma safaarigii shalay,

Suuqa lagu toltolayaa,

Moobil layska qaatiyo

Marfashiyo ma buuqbaa?

Urur urur samayn,

Afar xaraf u yeeliyo

Kolba hebel ammaanbaa.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Muxuu Yahay Xisbi Siyaasadeed?

 

Xisbiyaddu waa hab cusub oo ay Soomaalidu, mar dhandhansadeen laakiin dhandhankaasi in badan ayna soomaalidu macaansan. Reer Somaliland waxay ku hoos noolaayeen 21 sano talis kaligii taliya ah sanadahaas oo dhan reer Somaliland iyo Soomaaliya marna may tijaabin xisbiyada badan.

Ka dib Somaliland markay xoriyadeedii kala soo noqotay dawladii la isku odhan jiray Soomaaliya markay soo martay duruufo aad u adag waxay, xukuumadii hore ee uu hogaaminayay Marxuum Cigaal, ka hirgalisay Somaliland nidaamka xisbiyadda badan. Waxaa la sameeyay shuruucdii lagu maamuli lahaa xisbiyada durtaba waxaa ifka u soo baxay ururo Siyaasadeed oo badan oo kala huwan magacyo kala duwan haddana aad moodaysid inay wada wadaagaan afkaar aad iskugu dhaw. Waxaa la sameeyay gudiga doorashooyinka oo ku hawlan siduu u qabanqaabin lahaa doorashooyinka ka dhacaya dalka dhawaan. Dhammaan ururadaasi waxay rajaynayaan inay ku guulaystaan doorashooyinka si ay u noqdaan xisbi buuxa oo awood leh.

Kama maqna meesha inay ururo badani ku kufi doonaan tartanka iyo inta ka horaysaba kamana maqna inay noqdaan faraska ku badiya tartanka iyagoo gashan shaadhadhkoodii waxaana la arki doonaa ururo isku biira. Haddaba muxuu yahay xisbigu? Maxaana lagu dhaliilaa? Faa’iidadiisuna maxay tahay? Xisbiga waxaa la odhan karaa inuu yahay urur Siyaasadeed oo jira siina jiri doona raadinayana inuu helo taageerada dadweynaha sidii uu u gaadhi lahaa xukunka una soo bandhigi lahaa siyaasaduu ku dhaqmilahaa.

Xisbiyada Siyaasadeed waxay ka dhasheen imika Dimuqraadiyada taas oo ay udubadeeda ugu muhiimsan ay ka mid tahay kala wareega xukunka taasoo aanuu qof kaliya; hanan kari karayn xukunka markaa waxaa khasab ku noqotay dadkii rabay inay xukunka qabsadaan inay isku ururiyaan dad ay ka midaysan yihiin afkaarta tiirna u noqon karaan markay galaan doorashooyinka. Waxaan halkaa ka fahmaynaa inay dhalashada doorashooyinku keentay dhalashada xisbiyada sidii ay u horumaraysay ayay gaadhay habkan aan hada arkayno. Doorka ugu wayn ee xisbiyada ayaa ah wacyi gelinta dadweynaha iyo hagida Ra’yi-caamka iyo inay dawladda u soo bandhigaan rabitaanka dadweynaha. Taasi waxa weeye shaqooyinka ugu waaweyn ee ay qabtaan xisbiyadu markaa waxaa jirta maahmaah tidhaahda “ninkii aan shaqayn ayaan khaldamin” waxaa khasab ahayd in xisbiyada loo soo jeediyo dhaliilo aad u kulul oo ku saabsan cuduro ba’an oo ay ku faafiyaan nolosha Siyaasadeed ee bulshada dhaliil ahaa waxaa ugu wayn.

1.       Waxay sheegaan musuqmaasuqa

2.       Waxay dhaliyaan kala qaybsanaanta bulshada

3.       Waxay dhiiri galiyaan xasilooni darida Siyaasadeed

4.       Waxay albaabka u furtaa fara gelinta shisheeyaha

Laakiin dadka ku xeel dheer siyaasadu waxay sheegayaan in dhaliishaasi ay jireen waagii xisbiyadu bilowga ahaayeen ayna ku cusbaayeen nolosha Siyaasadeed ee dalalka waxayna astaan u tahay xisbiyada diciifka ah ee aan awooda lahayn ee cuskada awood dibadeed si ay u gaadhaan xukunka. Waxa xisbiyada sidoo kale aad loogu dhaliilaa inay markay xukunka gaadhaan ama wakhti dheer soo jiraan ay isku badalaan xarun laga maamulo diktaatooriyada oo ay maamusho tira yar oo ah hogaamiyayaasha xisbiyada kuwaas oo nasakha micnaha ay Dimuqraadiyadu leedahay haddana ma odhan karno inay xisbiyadu ay ka madhan yihiin taas. Wanaaga waxyaalaha ugu waaweyn ee la odhan karo inay xisbiyadu ku fiican yihiin ayaa ah.

1.       Xisbigu wuxuu ciyaaraa kaalin waxbarasho oo aad u wayn Shacbiga wuxuu u gudbiyaa macluumaad kala duwan dhinaca siyaasada dhaqaalaha iwm.

2.       Wuxuu isku keenaa fikradaha kala duwan ee dadweynaha wuxuuna u shaqeeyaa danta guud.

3.       Xisbigu markaa u xukunka hayn wuxuu kormeeraa hawlaha dawladda.

4.       Markay xisbiyadu badan yihiin shicibku wuxuu dooranayaa kii fiicnaa waxaana la diidayaa xisbigii lagu arko anshax xumo.

Inkastoo xisbiyadu ay yihiin moodada ka socota adduunyada oo dhan marka laga reebo meelo ayna cadceedu gaadhin haddana waxaa laga maarmaan ah in meeshan lagu sheego in 147 xaalad oo xukunka lala wareegay ay ahayd xaalado loo adeegsaday xoog xaaladahaas ayaa u badan dawladaha Caalamka saddexaad. Sababta ugu wayn ee qaskaa keenta waxaa lagu tilmaami karaa inuu xisbiga xukunka hay uu ku ciyaaro natiijada doorashooyinka uuna dhexdhexaad ka noqon isticmaalana awoodii dawladeed siduu u leexsan lahaa codad fara badan isagoo isticmaalaya habab fara badan oo ay ka mid tahay inay xisbiyada ka soo horjeeda musharaxiintooda ay isugu gayso qayb codad oo kaliya si ay iyagu ugu hirdamaan oo halkaas ka soo baxo qof kaliya. Waxaa kale oo jira hab kale oo ah in la kala qaybiyo qaybaha taas oo musharaxa xisbiga xukunka haysta uu naftiisa u sharaxo meeshuu taageerayaashiisu ku badan yihiin.

Culimada siyaasadu waxay isku hawleen sidii ay xal ugu heli lahaayeen mushkiladaas oo keenta cabasho badan dhinaca xisbiyada mucaaridka oo xaqoodu halkaa ku lumo. waxaa la sheegay in ay qabaqaabada doorashooyinka ay la xil wareegaan hawlgaleeno madax banaan laakiin xitaa xalkaasi muu noqon dawo ay ku bogsato nolosha Siyaasadeed ee dalalka Caalamka saddexaad.

Waxaa waajib ku ah xisbi kasta inuu danihiisa gaarka ah ka dambaysiiyo danaha ummada, inkastoo taasi wax naadira tahay.

Haddaba siduu xisbigu u soo jiitaa dadweynaha siduuna muwaadinka caadiga ahi ugu codeeyaa xisbigiisa?

Sidaan su’aalahan uga jawaabno waa inaan garanaa sababaha ay dadku ugu codeeyaan xisbiyada waxa lagu soo koobi karaa afar qodob.

1.       In aad u coddaysid musharaxa adigoo cuskanaya saaxiibtinimo ama jaarnimo taasna waxaa lagu arkaa doorashooyinka Maraykanka, Jabaan, Ireland, waxaa dabiici ah inuu musharaxu codad badan ku helo meeshuu ku dhashay.

2.       In ay qadiyadda uu ku doodayaa ka awood badnaato qadiyadaha musharaxiinta kale

3.       Dacaayadda iyo siday u abuuri karto sawir gaar ah oo ku daabacma caqliga dadweynaha.

4.       Caalamka jaarnimada waxaa la arkay inay asxaabtu codadka ugu badan ka hesho goobaha codaynta ee jaarka la ah

Taasi waa markay tahay adduun weynaha laakiin haddaynu aragno dhinaca Somaliland, waxaan odhan karnaa waxaa jira macaamil aad u muhiim u ah, ciyaarana kaalin wayn dhinaca doorashada musharaxa kaas oo ah qabii’ilkiisa waa waxa ugu horeeya ee lays waydiiyo ka dib qofka magaciisa.

Waxaan Somaliland u rajaynayaa doorashooyin wacan Ilaahayna ha I nala qabto.

Axmed Iid Obsiiye (Catoosh) Hargeysa

Waa In Lagu Xukumo Guddiga Caddaalada Mag-dhawaa

Anigoo ah dacwoodaha hoos ku xusan, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa go’aanka ujeedada sare ku xusan oo aan ku soo bixin qaab sharci sababtoo ah.

1.       Go’aankaasi sare waxa uu asal ahaan ka soo baxay ama ka soo fulay sida uu cadeeyay Wasiirka caddaalada JSL gudi uu magacaabay madaxweynaha JSL, gudoomiyena u yahay Madaxweyne ku xigeenka JSL, kana kooban xubno Golaha xukuumada ah iyo Golaha sharci dejinta ah, dhismaha gudigaasi iyo go’aankoodubana waxaa uu khilaafsan yahay qodobada 37, 97,108 ee dastuurka JSL.

2.       Go’aankaasi waxa shaqadii ay ka hayeen garsoorka lagaga saaray garsoorayaal aan ka mid ahay, iyadoon lagu xusin sabab anshax marineed oo aan ku mutaystay in la iga saaro shaqadii aan hayay. Taasi oo khilaafsan qodobka 108 xubintiisa 3aad ee dastuurka JSL iyo xeerarka shaqada Lam.2 soona baxay 1962dii ee nidaamka garsoorka iyo xeerka shaqada.

3.       Xubnaha guddiga caddaalada ee qaab ahaan u saxeexay go’aankaas waxay ka kooban tahay 7 xubnood oo ah tirada ugu yar ee fadhiga gudiga caddaalada ku qabsoomi karo, laba xubnood oo ka mid ah 7da xubnood waa shaqaale dawladeed kamana mid noqon karaan shaqaale dawladeed xubnaha gudiga caddaalada, kuwaasi oo ka tirsan xubnaha ay golayaashu soo doortaan, oo ay shardi tahay in ay dadweynaha ka soo doortaan, xubinta 3aad oo ka mid ah isla 7da ee saxeexay go’aankaas waxa golayaashu soo magacaabeen 1997dii ayadoo ay dastuurkana ku cadahay in labadii sanoba hal mar oo kali ah la soo doorto, taasina waxay ka dhigaysaa 7da xubnood ee saxeexay go’aankaas saddex ka mid ah xubinimadoodu in aanay sharci ahayn 4ta xubnood, sidaa darteedna wax go’aana ma soo saari karaan. Wuxuu noqonayaa (full and avoid) ama waxba kama jiraan sida waafaqsan qodobada 115, 116, 107 xubintiisa 1aad, 3aad ee dastuurka Qaranka.

4.       Go’aankaasi xaga sare lagu xusay laguma xusin magacayga iyo tilmaan kale oo muujinaysa midna marka laga reebo, waxaa shaqadii laga saaray garsoorayaashii hore u shaqaynayay oo aan la cadayn. Wakhtigay shaqaynayeen iyo meeshii ay ka shaqaynayeen, taasna waxay ka dhigaysaa go’aankaas waxba kama jiraan, arrintaasina waxay khilaafsan tahay qodobka 22 ee dastuurka JSL.

5.       Anigoo muddo badan ka soo shaqeynayay hawsha garsoorka oo ah mid miisaan aad u culus leh, lama cadayn dambi aan ku waayay xuquuqdaydii shaqo arrintaasi oo khilaafsan qodobka 21aad xubintiisa 3aad ee dastuurka JSL.

6.       Guddiga Caddaaladu waxay go’aankooda sare ku sheegeen in ay tixgalinayeen cabashooyin ka soo yeedhay dhinaca dadweynaha taasi oo khilaafsan dabeecada garsoorka, oo u abuuran in mar walba dhinaca garta laga helay in uu cawdo. Taasi oo la xidhiidha garsoorka, ma aha sabab sharci oo aan ku waayo shaqadii aan hayay xataa wax dambi ah kama dhalan karo xeerarka garsoorkuna may xusin, in garsooraha shaqadiisa fal dambi uga dhasho.

Asbaabahaasi kor ku xusan oo aanu marna go’aankaasi sharciga iyo caddaalada toona u waafaqsanayn waxaan maxkamada sharafta leh ka codsanaynaa.

1.       In la baabiiyo go’aankaasi xaga sare ku xusan ee guddida caddaalada laga saxeexay ee sharciga daba maray la iina soo celiyo xuquuqdaydii shaqo.

2.       In laga qaado talaabo sharcigu dhigaayo xubnaha gudiga caddaalada ee magacooda ku saxeexay go’aankaasi ee aan xubinimadoodu sharciga waafaqsanayn.

3.       In lagu xukumo guddiga caddaalada magdhawgii dhibaatada iga gaadhay go’aankaasi sharciga khilaafsan ee la igu fuliyay.

4.       Iyadoo aan u cuskaday dacwad furashadaydan qodobada 20, 24, 28, 98, ee dastuurka JSL. Iyo qodobada 62,68, XHM.

Dacwoode, Maxamed Jimcaale Maax, Hargeysa

Dhulkaa Waxaanu Lahayn 27-Sanadood

 

Waxaan doonayaa inaan halkan kaga jawaabo maqaal uu qoray maayarka Burco oo ku soo baxay wargeysyada Jamhuuriya iyo Maandeeq taariikhdu markay ahayd, 5 August, 02. Intaa ka dib haddaan ka bixiyo warbixin dhulka dawladda hoose nagu haysato, waxa aanu lahayn dhulkan muddo (27) sano ah sharcigiisana waa haynaa, markhaatiyaddii baa jooga. Ummadda reer Burco waa taqaan. Markaa anagu magaranayno ujeedada ka danbaysa, cidi nooma iman, nalamana ogaysiin sharci keena nalama odhan, markaa maxay tahay gorgortan ma leh iyo jujuubku qaad. Waxaan leeyahay maayarka waxa u tagay dad ay isku ka dhaadhiciyay inay u wanaagsantahay inay halkaa laga dhigo istaan basaska laga raaco. Waxaanan cadaynayaa inaanu u doonayn dan guud.

Basaska dee qaran maleh ee bas walba qof gaar ah ayaa wata oo ku danaysta qofna dad wax loogama qaadi karo, Haddaba waxaan leeyahay dadka hana colaysiin. Waxa kale oo aan leeyahay dhulka anagaa wax naga yaaliin, qaranimaddana anagaa wax ku qabana ee wuxuu ku raad gadayaa isaga oo Ciidanka ummadda u adeegsaday burburinta sharciga.

Caraale Cabdi Cawad. Hargeysa.

DAYMADA DARYEELKA DEEGAANKA

Cumar Daahir Cumar

Geedka Yicibta Iyo Faa’iidooyinkiisa

Geedka yucubtu waa geed had iyo jeer cagaaran oo caleemo badan oo shareeran leh, waana dhirta lagu tilmaamay in ay sii dabar-go’ayso. Waxaanay gaadhaan dhererkoodu ilaa 4m oo xidid qoto dheer leh. Dhirtani waxa ka baxa midho iniin keliya leh oo qani ku ah istaaraj iyo sonkor. Waa geed muhiim ah oo ka baxa dhulka aan si buuxda wax beerista ku habboonayn ee bariga Ogaadeeniya, badhtamaha Somaliya (ee ku dhow Gaalkacayo iyo Hobyo). Tarankooduna waxa halis geliyay abaaro iyo colaad.

Yicibta waxa loo door-bidaa dhul caro tuul jilicsan leh iyo meelaha sida caadiga ah loogu sifeeyo inay daaq leeyihiin oo ay ka dhex baxaan dhirta dhaadheer sida Qudhaca, galoolka iyo xagarka. Waa ku dhalad Itoobiya iyo Somaliya, inkasta oo laga beeray Kenya, Isra’il, Tanzania, Sudan iyo Yemen.

Isticmaalkeeda

Yicibta iniinteeda wuu ku hooseeyaa borotiinka iyo kaarboon-hayteraytka heerkoodu marka loo eego waxyaabahakale ee ku jira, laakiinse waxay hodan ku tahay sonkorta iyo dux. Cuntadan ay tamarteedu saarayso iyada oo qalalan ayaa la cunaa oo daray ah, oo la dubay ama la kariyay. Caleentana shaaha ayaa lagu darsadaa. Yucubtu waa nooc qallafsan, waana geed cunto qiime leh ah oo ku habboon gobollada kul-kulul ee abaarta ah, roobkuna ku yar yahay. Waxaanay daaq badan u noqotaa geela iyo adhiga xilliga abaarta, hilibkooduna dhadhan wanaagsan ayuu yeeshaa, lafahooduna way casaadaan. Xilli-roobeedka xooluhu  way iska ilaaliyaan, taas oo ay sabab u tahay caleenteeda sida maarka u adag. Qorigeeda adagna waxa loo isticmaalaa xaabo ahaan oo si wanaagsana wuu u shidmaa marka uu qoyana yahay. Iniinta cusub ee hadda la soo gurtay oo la dubay ama la kariyay waxa loo isticmaali karaa in cayayaanka lagu laayo.

Isku darka saliid dareere ah iyo dufanku waxa ay faa’iido u leedahay samaynta saabuunta, waxaana lagala soo bixi karaa iniinyaha. Caleenta yicibta waxaa laga helaa midab cas oo dhalaalaya oo gacantaada caseeya oo loo isticmaalo midabaynta dhirta. Waxa kale oo loo isticmaalaa daawo kicisa unugyada dhiiga sameeya.

Suuqyada iyo fursadaha

Yicibta waxaa lagu iibiyaa dalka gudihiisa oo loo keenaa si joogto ah xilligeeda, inkasta oo wax soo saarkeedu aanu daboolin baahida. Yicibta tarankeeduna muhiim uma aha oo keliya daryeelka, balse waxa kale oo ay kobcisaa fursadaha dhaqaale ee dadka ee iyagu soo gurta. Haddii yucub tiradeedu aad u badan tahay ay baxdo waxa laga yaabaa inay yucubtu noqoto midho la dhoofiyo.

Taranka iyo habaynta

Yucubtu dabiiciyan waxay ka baxdaa dhul uu joogiisu yahay 100-1000m, heerkulkiisuna yahay 27-30 c0. yicibta roobkeeda joogtada ah wxa lagu qiyaasay 250-400mm, waxaanay ku baxdaa carro kala geddisan oo u kala baxda mid qalafsan, carro guduudan ilaa gunteeda hoose iyo ilaa caro aan iyadu wanaagsanayn oo nafaqaynteedu hoosayso. Laakiinse adkaysi uma laha biyo-mareenada. Si tartiib ah ayay u baxdaa, gaar ahaan waqtiga iniinyaha lagu daadiyo, markaas oo ay xididaysanayso xididkeeda weyn oo daloolkiisu hoos u baxo. Waxaana midhuhu ku koraan 10-14 maalmood.

Dhirtani waxay midho-dhalaan 3-4 sannadood oo geed kasta laga gurtaa ilaa 5kg oo iniinyo ah. Jiriqaa iyo dirxiga balan-baalista ayaa iniinta soo weerara muddo dhawr bilood ah. Isku day la isku dayay in lagu tarmiyo yicibta Isra’il ayaa noqotay mid aan iyada lagu guulaysan.

Faa’iidoyinka ay u leeyihiin bulshada

Inintani waxay leedahay nafaqo aad u saraysa mararka qaarkoodna xilliyada abaaraha waxay noqotaa isha keliya ee cunto laga dhigto. Waqtiga dheer ee tarmida yucubu wuxuu fursad muhiim ah u noqon karaa sidi loo kobcin lahaa dakhliga.

Tarmida yucubtu waxay raad wanaagsan u yeelan kartaa dhawrida silsiladda cuntada ah ee wadanka gudihiisa.

Dalab sare iyo iyada oo lagac la’aan lagu helo midhaha dhirtan had iyo jeer waxay keentaa in la gurto iyaga oo aan bislaan.

Xoolaha oo loo daajiyaana halis ayay ku tahay in dhirta yicibta ahi ay dib ugu baxdo, gaar ahaan badhtamaha Somaliya.

Waxa la ogaaday maadaama ay xididadoodu qal-qalocaan in abqaalkeedu adag yahay si meel kale loo geeyo, iyada oo dhaawac loo geysan.

Sida hore loogu tallaabsanayo

Waa muhiim in laysku dayo in tarmida yicib Somaliya laga bilaabo oo weliba gaar ahaan deegaamadeeda dabiiciga ah. Si kastaba ha ahaatee xoog-saarista midho dhalid sare oo ay dhirtani leeyihiin ayaa loo baahan yahay in la goosto oo tarankooda la badiyo. Baadhis ah hababka talaalida siidh-garayntooda (seeding), iyada oo waxyeelo aan loo geysan ayaa sidoo kale loo baahan yahay.

Dadka oo lagu wacyigeliyo faa’iidooyinka yicibta iyo halista ay leedahay sal-guurinta fooda inagu soo haysa ayaa loo baahan yahay in la sameeyo. Dedaal ayay dawladdii hore samaysay 1977-kii, si ay u ilaaliso yicibta ka baxda aagaga Mudug iyo aagaga u dhaxeeya Beled-weyn iyo Dhuuso-mareeb.

Dadka ganacsadayaasha ahi waa inay fiiro gaar ah u yeeshaan maal-gelinta mudada dheer ee tarmida yicibta lagu sameeyo.

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Tabobare Ferguson Oo Difaacay Eedaynta Forlan

 

Manchester  (Reuters)  - Maamulaha Manchester United Alex Ferguson ayaa markii u horraysay daaha saaray difaaca weeraryahanka Diego Forlan oo lagu eedeeyay inaanu u qalmin tartamada heerka koowaad.

Weeraryahanka reer Uruguay oo 7 milyan oo gini lagu soo iibsaday oo ku guul-daraystay inuu shiishka la helo mid ka mid ah goolasha kooxaha heerka koowaad xilli-ciyaareedkii hore ee hada laga soo laabanayo fasaxoodii ayaa u muuqda dhagar-qabe aan u qalmin lana qabsan karin, kadib markii uu farsado lumiyay kulamadii Ajax iyo Parma intiilagu jiray tartankii Amsterdam. Hase yeeshee, tabobarhaa kooxda Manchester ayaa dhabarka u ritay eedaynta Forlen loo soo jeediyay. Wuxuuna yidhi; “Haddii uu 33-jir yahay waan ka wer-weri lahaa, laakiin maaha.” Sidaana waxa yidhi Ferguson oo u qiil samaynaya 23-jirka Forlan oo dhaliyay gool qurux badan oo hoobiye ah kulankii Senegal iyo Uruguay ee koobka adduunka.

“Waa 23-jir, wuxuuna haystaa waqti dheer oo uu ku soo bixi karo. Wuxuu leeyahay tamar badan iyo dhaq-dhaqaaq uu fursado ku heli karo,” ayuu ku daray.

Ferguson wuxuu tallaabo xaq ah ku tilmaamay shaqadiisa uu gool-dhalinta ku raadinayo iyo weliba laadadkiisa oo uu ku macneeyay qaar uu si daacadnimo leh u ganayay.

Tabobaruhu wuxuu muujiyay in uu marba marka ka dambaysa wax korodhsanayo, taasina ay sabab u tahay kubadda uu birta ka lalinayo. Waxa kale oo xaqiijiyay in aanu wax werwer ahi ka hayn inuu fursad helayo. Hase yeeshee, wuxuu qiray inuu kalsooni keliya u baahan yahay markuu goolka dhalinayo.

Ferguson wuxuu intaa ku daray Ferguson wuxuu intaa ku daray in sagaal ka mid ah kulamadii uu ciyaaray uu aad u fiicnaa.

Forlan waa ciyaartoy labadalugoodba ku ciyaara kubadda, isla markaana boos-qaadashada ku fiican, balse waxaan weli u furmin albaabka gool-dhalinta.

Ferguson oo arrintaa ka hadlayaa wuxuu yidhi; “Inta badan weeraryahanadu waxay rumaysan yihiin in aanay si fiican u ciyaarin haddii aanay goolal dhalin, taasina waa xaaladda haysata Diego Forlan.”

Massimo Moratti Oo Gaashaanka

Ku Dhuftay Ka Hadalka Iibka Ronaldo

Rome (Reuters) – Mulkiilaha naadiga Inter Milan Massimo Moratti ayaa been aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka sheegaya in Ronaldo laga iibinayo Real Madrid, wuxuuna intaa ku daray xataa inaanu rumaysnayn in Ronaldo tegayo kahor intaan si toos ah afkiisa uga maqlin markay foolka fool isu soo horfadhiistaan.

Moratti, inkasta oo uu caddeeyay inaanu in muddo ah la xidhiidhin ciyaartoyga reer Brazil, haddana wuxuu tilmaamay inaan arrintaas waxba ka jirin. “Lama aanan hadlin dhawaanahan, laakiin waan ogahay khibradna waan u leeyahay in markasta oo uu Brazil tagoba xamaasad lagu abuuro,” sidaa wuxuu Moratti ku sheegay waraysi uu daabacay wargeyska La Republica.

“Caado iima aha inaan yaqiinsado wararka la mala-awaalayo. Waxa keliya oo aan rumaystaa wixii indhahaygu arkaan ama ay dhegahaygu maqlaan. Intaa waxaa dheer, waxaan ka dhursugayaa inta aanu Ronaldo fool ka fool u wada hadlayno,” ayuu ku daray.

Wakiilka Ronaldo ayaa toddobaadkii hore Real Madrid u sheegay in xiddiga koobka adduunku diyaar u yahay inuu ka tago Inter, inkasta oo agaasimaha ciyaaraha Real Jorge Valdano tibaaxay inaanay xidhiidh la yeelan.

Moratti oo ku bixiyay 18.5 milyan oo gini markii uu Ronaldo kala soo wareegay Barcelona sannadkii 1997. wuxuu tilmaamay inaanu aqbali karin Inter oo aan lahayn 25-jirka iyo inuu qaadi doono tallaabo kasta oo uu ku kasbanayo.

Moratti oo marar dhawr ah ku celceliyay sida aanu u oggolayn siidaynta ciyaartoygiisa wuxuu markale yidhi; “Inter kuma talo-jirto inay siidayso, iibna maaha. Keliya waxaanu u haynaa qiime aan ka dhaqaaq lahayn, hoosna aan looga degayn oo ka bilaabmaya 68 milyan oo gini.”

Real Madrid guddoomiyeheeda Florento Perez oo horeba laba goor u jebiyay rikoodhka sayladda iibka, markii uu laba sannadood oo isku xiga Luis Figo iyo Zidane ku kala iibsaday 37 milyan oo gini iyo 45 milyan oo gini. Hase yeeshee, waqtigan ma awoodo inuu Ronaldo ku iibsado 68 milyan oo gini iyo wax u dhow toona.

“Waqtiyadii hore marka qofka qiimaha la sheego miiska ayaanu dhigi jirnay, balse hadda lacagtaa la sheegay 50% ma heli karno,” sidaa waxa yidhi Valdano oo ka hadlay lacagta qaaliga ah ee lagu doonayo haddiiba la iibiyo.

Moratti, waa ka dheregsan yahay inaan Real lacagtaa u babac dhigi karin, balse waxaa dad badani hadalkiisa u qaateen mid loogu quus-goynayo kooxda Ingiriiska ah ee Manchester United oo iyadu awoodi karta inay qiime qaali ah kula wareegto weeraryahanka ay baadi-doonka ugu jireen tan iyo dhammaadkii koobka adduunka. Arrinta xiisaha lehina waxay tahay doonisata Sir Alex Ferguson ee Ronaldo, oo markii uu maqlay wararka ku saabsan ka tegistiisa kooxda Inter yidhi; “Nasiibkee buu ku imanayaa Manchester, haddiise la iibinayo waa imisa?”

Inkasta oo ay cirka isku shareertay xasaradda ka dhalatay hadal-haynta iibka Ronaldo, haddana ilaa iminka lagama war-hayo halka uu taagan yahay mawqifka Ronaldo ee ku aadan tegista kooxda Talyaaniga ah. Mana jirto war rasmi ah oo uu Ronaldo kasoo saaray arrinta muranka dhalisay, marka laga tago war la sheegay in uu Real ku wargeliyay wakiilka Ronaldo, kaas oo uu ku sheegay in ciyaartoygu diyaar u yahay ka tegitaanka San Siro.

Dhinaca kalena waxaa in la xuso u baahan cabasho door ah oo Ronaldo ka muujiyay af-lagaadooyin ay marar kala duwan kula kaceen taageerayaasha Inter Milan oo ku canaantay inuu hagranayo kooxda sida ugu fiicana aanu ugu ciyaarin. Tallaabdaas iyo warar kale oo warbaahinta Talyaanigu ka qortay ayaa Ronaldo ku dhalin karta inuu ka qanco kooxda. Waxa kale oo iyana jirata jacayl xaddhaaf ah oo mulkiilaha Inter u hayo weeraryahanka caalamiga ah. Ciyaartoyga kooxda ayaa laftoodu kalsoni weyn u haya arrimahani waxay muujinayaan in Ronaldo weli kalsooni badan ka haysto bulshada ciyaaraha ee kooxda Inter.

Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga halkay ku dambayn doonto xaaladda ciyaartoyga, waxaase la filayaa in arrintiisu soo xidhanto maalmaha soo socda.

Tony Blair Oo Dalbaday In Ingiriisku Martigeliyo Tartanka Olympic-Ga 2012

Inkasta oo guusha ciyaaraha Barwaaqo-sooranku aanay daruuri ka dhigayn diyaarinta baahida Ingirisku u qabo inuu ku guulaysto martigelinta ciyaaraha Olympic-ga adduunka ee sannadka 2012, hadda war ka soo baxay xafiiska Ra’iisal-wasaare Tony Blair waxaa lagu sheegay in tallaabada la qaaday ay marag u tahay horumarka dalka Ingiriisku ka gaadhay martigelinta kaalmada caalamiga ah. Sidaa darteedna ay mudan yihiin in tixgelin la siiyo.

Magaalada Manchester waxaa lagu ammaanay siday u gudatawaxaa lagu ammaanay siday u gudatay waajibaadka tartankii ugu dhumucda weynaa ee UK, weligeed martigeliso, waxaanan filayaa inay hanan karto haddii dalku damco martigelinta Olympic-ga.

Haweenay u hadashay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha ee Downing Street, ayaa guddida Olympic-ga Britain ku guubaabisay inay dedaal u galaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen qabashada tartanka, inkasta oo ay sheegtay inay ogsoon yihiin inay guddidu ku guulaysan karto, iyada oo aan dawladda la kaashan.

War-murtiyeedka xafiiska Ra’iisal-wasaaraha waxa la sheegay inay ka dhur-sugayaan warbixinta ay la soo noqdaan kahor intaanay aragtidooda ka dhiiban mawduuca.

“Ku deg-degi mayno wax go’aana dhinac kastaba ha ahaatee,” ayuu yidhi war-murtiyeedku.

Faaladani waxay ka dhalatay, kadib markii Ra’iisal-wasaare Tony Blair xafladdii xidhitaankii ciyaaraha Barwaaqo-sooranka kasoo jeediyay fikradda.

Mr. Blair wuxuu kaloo aad u ammaanay sidii qiimaha lahayd ee tartanku u dhacay, kaas oo uu ku tilmaamay kii ugu wanaagsanaa ee weligii soo maray taariikhda UK. Blair wuxuu si gaara u amaanay maamulka iyo shacabka magaalada Manchester ee waqooyi-galbeed ee dalka Britain.

Sidoo kale Guddoomiyaha guddida Olympic-ga British Craig Reedle ayaa sheegay habeenimadii Axaddii in fursada dalabkoodu maanta ugu habboon yahay in ay helaan tartanka 2012 ee Olympics-ka, haddii kale ay 12 sannadood oo kale ku qaadan doonto.

Duqa Manchester ayaa isna kulankaa ka sheegay in tartamadii 1996 iyo 2000 Manchester loo diiday, balse ay hadda muujisay in ay qaban karto martigelinta Olympics-ka.

Mr. Lease wuxuu sheegay inaan cidina fursadaha isu oggolayn oo xataa London aanay fursadda siinin magaalooyinka kale ee dalka.

Mr. Lease wuxuu soo jeediyay inay habboon tahay in marka hore loo qaybiyo magaalooyinka, kahor intaan loo hawlgelin raadinta martigelinta tartanka.