Haatuf, Cadadki 132, Aug.7, 2002

Dawladda Somaliland Oo U Kuur-Kuursanaysa Hawl-Gal Culus Oo Ku Wajahan Gobolka Sool

 

Hargeysa (Haatuf): Toddobaadka foodda inagu soo haya ayaa la filayaa wefti ka kooban odayaal Guurtida ah iyo madax-dhaqameedyo sar-sare oo Reer-Somaliland ahi inay socdaal ku tagaan gobolka Sool, sidaana waxa sheegay warar xog-ogaal ah oo aanu ka helay meelo kala duwan, waxayna weftigaasi qayb ka yihiin hawl-gal culus oo siyaasiya oo la sheegay inay dawladda Somaliland damacsan tahay inay ku ekaynayso gobolka Sool mustaqbalka dhow, taas oo la sheegay inuu Madaxweyne Rayaale laftiisu qayb ka yahay.

Sida ay tibaaxeen wararka arintaa ku saabsani waxay weftiga la filayo inay toddobaadkan u baqoolaan gobolka Sool waxa uu qorshuhu yahay inay noqdaan xubno ka koogan odayaasha Guurtida iyo salaadiinta beelaha Somaliland ee aan beesha Sool ahayn, sidoo kalena waxay wararku sheegeen in hadii ay arintu u dhacdo sida loo qorsheeyey marka wefti dhaqameedkaasi ay soo noqdaan waxa la sheegay inay daba mari doonaan wefti kale oo dawladda ahi.

Sida la sheegay labadaa wefti ee hore waxay gogol-xaadh u yihiin wefti miisaan leh oo laga yaabo inuu hor kaco Madaxweyne Daahir Rayaale, ayna ka mid noqon doonaan sida ay wararku tibaaxeen dad kala duwan oo isugu jira hogaamiyayaasha dhaqanka, dawladda iyo xisbiyada Siyaasadda.  Hase yeeshee ilaa hadda ma jiraan warar xaqiijinaya inay arimuhu sidaa u dhacayaan, isla markaana ma jiraan war rasmi oo arintaa ku saabsan oo ay dawladdu soo saarta, laakiin hore ayuu Madaxweyne Rayaale u tibaaxay inuu socdaal ku tegi doono gobolka Sool, iyadoo ay ujeedada gobolka Sool loo tegayaa tahay in wada hadalo sal-balaadhan lala yeesho beesha Sool, waxaase jira dhaqdhaqaaqyo iyo dareemo farta ku fiiqaya inay dawladdu u kaan-kaansanayso hawl-galkeeda siyaasiga ah e gobolka Sool. 

Hase yeeshee tafaasiil dheeraad ah lagama hayo ajandayaasha ay wufuudda iska daba tegayaa kala hadli doonaan hogaamiyayaasha beesha Sool, laakiin waxa la filayaa inay ujeedada ugu weyni tahay sidii beesha Sool wada xaajood loogala samayn lahaa cabashooyin la sheegay inay u tirinayaan dawladda Somaliland, ka dibna waxa taa ku xigi doona sidii ay beesha Sool mawqif hoosta ka xariiqan uga yeellan lahayd qadiyadda Somaliland, taas oo ay beesha Sool hadda inta badan debedda ka joogto hawlaha Somaliland, isla markaana ay gobolka Sool ku hirdamayaan ilaa saddex-afar maamul oo uu mid waliba taageero ka haysto dadka Reer-Sool, sidaa darteed waxyaalaha ay wufuudda la filayo inay halkaa tegi doonaan ay kala xaajoon doonaan hogaamiyayaasha beesha Sool waxa ka mid ah sidii ay uga soo hoyan lahaayeen duleedka ay ka joogaan hawlaha Somaliland.

Sida ay wararku sheegeen hogaamiyayaasha dhaqanka beesha Sool hore ayey u aqbaleen imaatinka Madaxweyne Rayaale iyo wufuudda la xidhiidha, hase yeeshee lama oga jawaabta ay ka bixin doonaan arimaha loola tago, waxayse wararku sheegeen inay koleyba cabashooyin door ah soo qadimi doonaan, isla markaana ay bedheedhe ka dhiiban doonaan arinta Somaliland.

Inkasta oo ay ilaa maamul oo kala ah: Somaliland, laba garab oo Puntland ah iyo maamulka C/qaasin ay ku lug leeyihiin gobolka Sool, haddana waxa intaa sii dheer warar tibaaxaya inay jiraan kooxo kale oo u ololaynaya inay gobolka Sool kaga dhawaaqaan maamul goboleed iskii u taagan oo ka madax banaan maamulada hadda jira oo dhan. Sidaa darteed dad badan oo arimaha gobolka Sool u dhuun-daloola ayaa u arka inay arintu sii fogaanayso hadii aan hawsha hadda loo kaan-kaansanayo goor la qadimin, si inta aanay sii murgin wada xaajoodku u furmo togan iyo taban, midka ay doonto natiijadu ha noqotee.   

Somaliland: Hayaanka Hanaanka

Cusub Iyo Wallaaca Waayaha Ku Xeeran

Waxa la yidhi oo uu xafiiltan dirireed ka dhexeeyo ayey qolo had iyo goor marka ay dagaal tegayso waxay ku duulaan tegi jireen fardo, laakiin qolada kale marka ay duulayaan waxay, iyagu ku duulaan tegi jireen lug, waxayna had iyo jeer guushu raaci jirtey qolada lugta ah. Hase yeeshee maalintii dambe ayey qoladii lugta ku duulaan tegi jirtey tidhi maanta waynu iska daynaynaa lugtii oo waxaynu ku duulaan tegaynaa fardo, sidii bay yeeleen, laakiin nasiib daro waa la soo jebiyey, dabadeed-na nin colkii ka mid ah ayaa yidhi; “Fardihii jaan wayba inooga dareen”.

Sida ay caadadu tahay nin duulaan tegay laba xaalo mid uun bay arintiisu noqotaa, labadaa xaalo oo ah, inuu duulaankiisa ku soo guulaysto iyo inuu ku soo guul-daraysto oo laga gol-roonaado, laakiin hadii aynu is-nidhaahno sababeeya guul-darada maalintii ay fardaha ku duulaan tageen ay la soo guryo-noqdeen, nimankii maalintaa ka hor, iyaga oo lug ah duulaan tegi jirey, guushana la soo noqon jirey, taasi dhawr sababood mid-kood ama intaba way noqon kartaa.

Ta hore waxay noqon kartaa in ragii u bartay inay lugta ku dagaalamaan ay la garan-waayeen fardo-fuulkii, ka dibna ay sidaa ku jabeen, ta labaad-na waxay noqon kartaa in, iyaga oo aan fardo-fuulka iyo jare-weeciska barran ay uun is-yidhaahdeen qayrkiinba waa fuulaaye maad idinkuna fuushaan. Waxaynu, iyana malo-awaali karnaa sabab saddexaad, taas oo noqon karta inay arintoodu ahayd kibirow kub iga jebi, taas oo macneheedu yahay inay guulihii hore qab iyo isla weyni ka qaadeen, dabadeed-na ay mar qudha la boodeen dhababaco aanay u meel-deyin, sidaa darteed-na ay arintoodu noqotay lugtii jeeniga dhaaftay ee jabtay.

Sida la ogyahay waqtigan xaadirka ah dalka Somaliland waxa lagaga boorikaasayaa in la qaban doono doorashooyin madax banaan oo ku salaysan hanaanka xisbiyada badan, waxaana taa macneheedu yahay in laga guuro hanaankii siyaasadeed ee shir-beeleedka ku dhisnaa oo ay Somaliland ku soo dhaqmaysay in ka badan 11 sannadood.

Marka hore hab beeleedka ay Somaliland ku soo dhaqantay ma aha hab dunida maanta ee casriga lagu tilmaamo lagaga dhaqmo, laakiin marka la eego hab beeleedka ay Somaliland ku soo dhaqantay waxa uu ahaa hal-abuur laga soo min-guuriyey hab-dhaqankii beelaha ama reeraha ee ku salaysnaa in marka ay mushkiladi dhacdo ama ay baahiyi timaado ay odayaasha dhaqanku isu yimaadaan, ka dibna ay heshiiyaan arintii dhex-martay, arintaasina waxay noqon kartaaa dhibaato ka dhex dhacday labo iyo wax ka badan, dabadeed-na xal laga gaadhayo ama waxay noqon kartaa dan dhex-martay, sida Caws, Ceel IWM, ka dibna sida loo wadaagayo heshiis laga gaadhayo.

Nidaamkan marka aad muraayadda duudka ka saarto waxa kuu muuqanaya weji reer, laakiin marka aad hadana muraayadda shafka ka saarto waxa markiiba kuu muuqanaya weji siyaasi ah, sidaa darteed waxaynu ku micnayna karnaa laba hab-dhaqan oo la isku bishilay, kuwaas oo kala ah: nidaamka qabaliga ah (tribal rule) iyo nidaamka siyaasasi ah (political system), laakiin nidaamkani waxa uu ahaa mid ay Somaliland duruuftu bartay, wuxuuna markii u horaysay bilaabmay sannadkii 1991-kii, waqtigaas oo ay dadka Reer-Somaliland  si xun uga muuqatay diiftii dagaalo sannado badan socdey oo markaa istaagay, iyadoo uu ururka SNM horaantii 1991-kii taliskii Siyaad Barre ka qabsaday goboladii la odhan jirey waqooyiga Somaliya (Somaliland), ka dibna ay hogaamiyayaashii ururka SNM beelihii colaaddu dhex-taalay shir isugu keeneen magaalada Burco.   Shirkaas oo xanbaarsanaa laba ujeeddo waaweyni, labadaa ujeeddo oo kala ahaa: In marka hore laga heshiiyo colaadii jirtey, mar labaadkana ay dadkii gobolada waqooyi ka tashadaan aayahooda, sidaa darteed shir-beeleedkii Burco waxa lagu gaadhay laba arimood oo muhim ah, kuwaas oo kala ahaa: heshiiskii beelaha Reer-Somaliland dhex-maray iyoku dhawaaqidii madax banaanida Somaliland.

Marka laga yimaado shir-doceedyo dhawr iyo toban kor u dhaafaya oo nabadaynta beelaha ah ilaa saddex beeleed oo waaweyni ayaa lagu qabtay Somaliland 11 sannadood ee ina dhaafay, iyadoo shirarkaa heshiisyadii dhinaca nabadda ka sokow, mid walba lagu sameeyey is-bedel siyaasiya, taas oo shirkasta lagu doortay Madaxweyne iyo kuxigeenkiisa iyo golayaal baarlamaan, ilaa maantana dawladda Somaliland ka talisaa waa dawlad ku timi hab beeleed. Sidaa darteed marka la qiimeeyo waxa uu nidaamkaasi ahaa mid ay Somaliland si wax ku ool ah ugu nabad iyo caano maashay, kagana fil-roonaatay qayrkeed, iyadoo ay dunidu Somaliland ku majeerato nabadda iyo hanaanka dawladeed ee ay cagaha u dhigtay, halka walaalaheeda kale ee Soomaaliyeed mudadaa lagala quustay inay dhexdooda nabad ka dhaliyaan, laakiin waxa la aaminsan yahay ama runtuba tahay inaanay Somaliland qalalaase ka fursateen hadii aanay ixtiraacin hido-samida dhaqankeeda.

Hase yeeshee marna lama mooganayn inuu nidaamkaasi yahay habeen-dhax, taas oo waxa mar walba la hiigsanayey uu ahaa in hab beeleedka looga guuro hanaanka xisbiyada, iyadoo taa higsigeedu ku salaysan yahay ugu yaraab laba sababood oo kala ah: In marka hore lala mid noqdo dalalka dunida kale oo ay intooda badani ku dhaqmaan hanaanka xisbiyada badan iyo ta labaad oo ah in laga baxo hab ay taladu inta yar gacmahooda ku jirto si uu qof waliba cod u yeesho.

Inkasta oo nidaam kasta oo uu aadamuhu dhigtaa nusqaantiisa iyo tur-xaantiisa leeyahay, haddana nidaamka xisbiyada badan oo ah nidaam ay dadku u footeeyaan cidda u talinaysa waa nidaam aad loo majeerto, balse su’aashu waxay tahay garanay in loo guuro, laakiin geediga Somaliland ma u tabaabushaysatay, sidaa darteed mudada bilaha ah ee hadhsan ma laga jibo keeni doonaa doorashooyinka go’ loo ridey.

“Anagu waxaanu qabnaa in la qaban karo doorashooyinka dawladaha hoose iyo kuwa madaxtooyada iyo baarmaankaba” sidaa waxa yidhi gudoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali-waraabe, isaga ka hadlaya shir-jaraa’id maalin maal-maha ka mid ah.

“Aniga ilama aha in mudada yar ee hadhay wax laga gaadhsiin karayo, laakiin anagu diyaar baanu u nahay doorashada oo marna maanu diidin”, sidaana waxa yidhi gudoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo uu waraysi la yeeshay Haatuf, laakiin waxa uu intaa ku sii daray “Doorashadu shuruudo ayey leedahay ee waa in shuruudaheeda loo dhamaystiraa, shuruudahaana waxa ka mid ah in cod-bixiyayaasha la tiro koobo iyo dalka maamulka la wada gaadhsiiyo”.

“Waa in nabad-gelyada la sugo, waa in maamulka la gaadhsiiyo gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan”, sidaana waxa yidhi, gudoomiyaha ururka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlaya fagaaraha khayriyadda Hargeysa.

Maxamed Xaashi Cilmi oo ka tirsan ururka SAHAN oo uu Haatuf wax ka waydiiyey sida uu u arko aayaha doorashada ayaa ku adkaystay inuu u arko inay doorashadu qabsoomi karto, sidaa darteed yidhi yaan la labayn ee waa inay doorashadu dhacdo.

“Xisbiyada ma naqaan waqtigii doorasho iyo xisbiyo inoogu dambaysay intiina halkan joogta midkiina ma dhalan, dadkii joogayna midhadh mooyaane waxba kama joogaan”, sidaa waxa mar kale khayriyadda ka yidhi, Axmed-Siilaanyo, waxaana arin la isku raacsan yahay ah inaanay dadka Somaliland ku dhaqani u bislayn hanaanka xisbiyada badan iyo xadaafiirta doorashada.

“Dadkuba isma waydiinayaan xisbigee baa barnaamij wacan oo aynu dooranaa ee waxay ku murmayaan hebel Madaxweyne noqonaya iyo hebel baa noqonaya”, sidaa waxa yidhi nin oday ka mid ah dadka qurbaha ka yimi, haddana ku sugan Hargeysa, isaga oo intaa ku daray “Taasi waxay muujinaysaa inaanay dadku fahamsanayn macnaha hanaanka xisbiyada badan”.

“Anigu mabda’ xisbiyada badan aad u doonayaa, una aaminsanahay, laakiin waxna marka ay dhashaan ma ciidamiyaan, sidaa darteed xisbiyadu waxay u baahan yahay waqti”, sidaana waxa yidhi mid ka mid ah siyaasiyiinta waaweyni ee Somaliland oo waqti waqtiyada ka mid ah dood ka dhiibanaya hanaanka xisbiyada badan ee Somaliland ka hulaaqmaya.

“Dhulka balaadhan ee inteer le’eg ee aan arkay maamulka 11-ka sannadood lagu gaadhsiin kari waayey, ilama aha in shan bilood lagu gaadhsiinayo”, sidaana waxa yidhi nin oday ah oo is barbar dhig ku samaynaya dhulka aanu weli maamulka dawladda Somaliland ka hano qaadin iyo waqtiga ee xiliga doorashada ka hadhay.

“Guddiga dhan ee doorashadu ilaa hadda meel aan Hargeysa ahayn xafiis kama furan” sidaana waxa yidhi nin farta ku fiiqaya qabyada ka muuqata guddiga doorashada.

Marka arimaahaas oo dhan la isku soo xooriyo waxay u muuqataa inaanay saddexda dhardhaar ee ay hawsha doorashadu badhida saarayso oo kala ah: Dawladda, xisbiyada iyo dadweynaha mid-na qaan-gaadh ahayn , sidaa darteed waxay dad badani ka wer-wersan yihiin sida ay xaaladdu ku dambayn doonto hadii, iyadoo ay qabyadu badan tahay madax-madax la isugu tuuro doorashada, laakiin dad badan oo kalena waxay qabaan ama leeyihiin waa inaan laga baqan ee ilow-ilowba la tijaabiyaa, hase yeeshee hadii alle idmo dhawr bilood iyo wax aan dhaamin baa ka hadhay mudada la biciidsanayo ee bal aynu eegno waxay umusho.

Ganacsiga Dhulka ee

Magaalooyinka Somaliland Maxaa U Xala?

Faallo – Cumar Daahir Cumar

 

Qiimaha dhulka ee magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa cirka isku shareeray, ka dib nidaamka iyo nabadgelyada ka jirta Somaliland oo kasabtay in ay dadku aad uga fikiraan kor u qaadista noloshooda, iyagoo dhismayaal casriya oo ay ugu talo galeen goobo ganacsi, warshedo, guryo ay ku noolaadaan, kuwo ay u isticmaalaan dakhli kiro iyo dhismayaal soo jiidan kara hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliland si xidhiidh ah u dhisaya. Marka la eego dhacdooyinkii u danbeeyay ee ka dhacay Hargeysa, Burco, Booramaiyo meelo kaleba, waxaa si fudud loo arki karaa in muranada ka yimaada lahaanshaha dhulku ay yihiin kuwo dhaliya aafooyin halis galin kara nabada iyo xasiloonida. Dareenka arrintaas ayaa sababay in xukuumada Somaliland ay masuuliyiinta D/hoose ee magaalooyinka waawayn ee Somaliland ay mar kastaba bedbedesho.

Laakiin inta badan muranka dhulka ee magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, taasi waxba kama tarto. Sababtoo ah waxa adkayd xal u helida arrintaas wax lagu tilmaamo inay tahay mid dhaqaale oo keenta in hay’adihii fulineed ee ka hawlgali lahaa arrintan,inay  kala jiitaan  dhinacyada isku haya dhulku. Isla markaana ay ku kala jiitaan deeq lmaalitadeed ama dhul, taasina waxa la rumaysan yahay inay dhalisay masuulkii dhexdhexaadka ka noqon lahaa arrintu garta u leexiyo dhinicii wax siiyay.waayo wuxuu helay, lacag aan ku soo galin mushahar ahaan shaqada uu qabto. Arrintani waxay keeni kartaa haddii ay sii socoto mushkilado aan baaxad yarayn oo waxyeeli kara kala danbaynta iyo sharciga marka ay arrintu sidan tahay waxaa haboon in ay dawladdu hirgaliso sharci meesha ka saaraya in uu dhulku noqdo meel laga helo hanti badan oo ku loolankeedu uu keeni karo dhibaato waxyeesha nabadgelyada.

sababtoo ah waxa la aaminsan yahay in ganacsiga dhulku abuuray kudlado isku xidhan oo la sheegay inay qayb ka yihiin masuuliyiintii dadka kala hagi lahayd,saraakiil Ciidamada ka tirsan iyo dadweynaba. Dhinaca kale waxa la fahmi karaa in saraakiisha dowladda ee arrintan ku lug yeelata ay cudurdaar ka dhigtaan mushaharkooda oo yar masuuliyada ay hayaan marka la barbardhigo hantida ay ka heli karaan fursada ay sharciga ku  qaloociyaan.markaas  Xalka arrintani wuxuu noqon karaa in ay dawladdu fuliso sharci dhulka  ah oo odhanaya;  dhulka waxaa iska leh Qaranka Somaliland. Isla markaana ay dawladdu dhulka ka iibiso qofkii diyaar ah ee dhisanaya guri, laakiin aan laga iibinin qof aan diyaar ahayn, taasi macnaheedu waxa weeye in kollayba haddii dhulkii meherad ganacsi laga dhigtay ay dawladdu mamnuucdo lahaanshaha dhulka bannaan, qofkii u diyaar ah inuu wax dhistana la siiyo dhulka uu doonayo, muddo maalmo ahna uu ku bilaabo hawsha.

Haddii talaabadan la qaado, waa in hantida ka soo baxdaa ay noqoto mid lagu daryeelo shaqaalaha dawladda iyo adeega guud ee bulshada.si ay suuragal u noqoto bal in la yareeyo baahida laaluushka ee hawlwadeenada dawlada. Laakiin haddii ay haddana taasi ku dhacdo jeebabka shaqsiyaad   waxay noqonaysaa hal bacaad lagu lisay, iyo dhibaato hor leh oo la korodhsaday.

Urur-Siyaasadeedka ILAYS Oo Magacaabay Murashaxooda Jagada Madaxweyne-Nimada

 

Hargeysa (Haatuf): Ururka la yidhaahdo ILAYS-ka Somaliland oo ka mid ah ururada siyaasadda ee ka abuurmay Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay musharaxa uga qayb gelaya tartanka jagada Madaxweynaha ee doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, waxayna sidaa ku sheegeen war-saxaafadeed ay  isla shalay soo saareen, iyadoo uu war-saxaafadeedkaa ku saxeexnaa xog-hayaha guud ee ururkaa, Cumar Jaamac Faarax.

Ninka ay ururka ILAYS u xusheen inuu uga qayb geli doono tartanka Madaxweynenimada waxa magaciisa la yidhaahdaa Cumar Dubbe Cali-yare, waxayna ururka ILAYS war-saxaafadeedkooda ku sheegeen inay magacaabidda musharaxaasi ka dambaysay shir uu golahooda dhexe isugu yimi intii u dhexaysay 4-tii ilaa 5-tii bishan aynu ku jirno ee Ogosta, iyadoo bay yidhaahdeen ay jagadan ururka dhexdiisa isaga soo sharaxday ilaa saddex nin, laakiin cod lagu kala reebay, taas oo ay labada nin ee kale kala yihiin: Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse) iyo Axmed Cismaan Saxardiid, laakiin sida war-saxaafadeedka lagu sheegay waxay tirada golaha dhexe ka koobnayd 26 xubnood oo dalka gudihiisa ku sugnaa iyo 4 nin oo debedda ku sugnaa, kuwaas oo la sheegay inay ku codeeyeen khadka telefoonka, sidaa darteed waxa uu ninka jagada musharaxa loo doortay helay 18 cod, halka uu Axmed Aadan Ismaaciil helay 7 cod, sidoo kalena Axmed Cismaan Saxar-diid waxa uu helay 5 cod.

“Shir ay golaha dhexe ee ILAYS-ka Somaliland isugu yimaadeen 4—5 Ogost oo lagaga wada hadlayey sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashooyinka foodda inagu soo haya iyo sidii dadweynaha Reer-Somaliland iyo taageerayaasha ururka loogu soo bandhigi lahaa musharaxa jagada Madaxweynaha waxa jagadaa u tartamay saddex nin, laakiin waxa ku guulaytay Cumar Dubbe Cali-yare” ayey ururka ILAYS ku yidhaahdeen war-saxaafadeedkooda, waxayna yidhaahdeen ninkaa ayaa noqonaya hogaamiyaha ururka iyo musharaxa jagada Madaxweyneninmo, iyadoo bay yidhaahdeen aanay waxba iska bedelin jagada gudoomiyaha ururka oo uu hadda hayo Ibraahim Ducaale Saleebaan. 

Weerar Lagu Qaaday Ciidamada Maraykanka Ee Ku Sugan Afqaanistaan

Kaabul (W. Wararka): Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Afqaanistaan ayaa la kulmay weerar kaga yimid dagaal-yahano loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Al-Qaacida. Mar ay kormeer ilaalo ah ugu baxeen agagaarka magaalada Asadabaad oo ku taal bariga dalkaasi.

Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay taliska Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Afqaanistaan waxa ay dileen laba ka tirsan dagaalo-yahanada weerarka soo qaaday markii ay weerar la kulmeen qaar ka mid ah ciidamadooda oo hawlo ilaalo ah ugu baxay bariga Afqaanistaan. Afhayeenku muu sheegin faah-faahin ku saabsan labada nin ee ay dileen cida ay yihiin iyo khasaaraha dhinacooda soo gaadhayba.

Balse waxa la sheegay in ciidamo gaadhaya ilaa 40 qof ay Maraykanka kaga dhinteen tan iyo muddadii uu waday dagaalka Afqaanistaan oo bilaabmay Oktoobar 2001.

Ciidamada Maraykanka waxaa la sheegay in ay had iyo jeer weeraro iyo falal gaadmo ah kala kulmaan gudaha Afqaanistaan taasoo cabsi ku haysa Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Afqaanistaan.

Qarax Ka Dhacay Hotel Ku Yaal JIG-Jiga

 

Jig-jigga (BBC): 6 qof ayaa ku dhaawacmay markii uu habeen hore qarax ka dhacay HOTEL-ka ADAM oo ku yaalla magaalada jigjiga ee caasimada u ah dawlada ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Qaraxan oo dhacay saacadu markay ahayd 7:30 habeenimo waxa la sheegay inay sababta keentay ahayd shandad lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa oo la dhigay mid ka mid ah qolalka Hoteelkaa.

Dadka dhaawacmayna waxa, la sheegay inay ka mid ahaayeen nin u dhashay Hindiya oo macalin ka ah JigJiga iyo nin u dhashay Djibouti iyo 4 carruur ah oo uu dhalay kuwaasoo u soo xagaa baxay jigjiga, dadkaana waxa lagu dawaynayaa cusbitaalka Kaaraamardha ee JigJiga.

Lama garanayo ilaa hadda cida ka dambaysay qaraxan, balse waxa socda baadhitaan xoog leh oo lagu baadi goobayo cidii falkan ka dambaysay.

Cunta Yaraan Soo Food-Saartay

500-Kun Oo Qof Oo Itoobiyaan Ah

BBC – Itoobiya – Dad tiradooda lagu qiyaasay milyan badhkii ayay abaaro iyo cunto yaraani ku haysaa woqooyiga bari ee Itoobiya. Dhul uu hadda heer-kulkiisa marayo 50C ayaa reer miyi ah canfar ay lugaynayaan boqolaal Kilomitir si ay u helaan biyo iyo daaq ay xoolahoodu daaqaan.

Dadkan canfarta ah ee ku nool dhulkaas ay abaaruhu ku dhaceen ee Itoobiya waa dad aan gaadhin horumar, noloshooduna wax badan kama duwana tii ay dadka canfartu ku noolaayeen qarniyo badan oo ay ahaayeen kuwo isla weyn oo ku kalsoon, sida ay ugu nool yihiin deegaankooda.

Gabadha la yidhaa Nita Bhalla oo BBC-da uga soo waranta gobolka woqooyi bari ayaa sheegtay in abaartan soo food saartay xiligan dadka canfarta ah ee deegaankaas, ay ka ballaadhan tahay mushkilad ay xalin karaan, sababtuna ay tahay roob yaraan ku habsatay deegaaankaas. Nita Bhalla waxay sheegtay in canfarta oo ah xoolo dhaqato ay aad uga dhimanayaan xoolahii sababtuna ay tahay, roobabka oo yar sanadkan, sanadkii horana yaraa, iyo iyadoo xili roobeedka karma ee halkaa ka di,I jiray xiligan oo kale ay dib u dhaceen bil xiligii ay di’I jireen.

Adunya Kassie oo ka tirsan xafiiska ka hortaga abaaraha ee gobolka canfarta Itoobiya ayaa sheegtay in dad tiradoodu ay dhantahay (766,905) toddoba boqol, lix iyo lixdan kun, sagaal boqol iyo shan qof oo ah dadka ku nool gobolka canfarta ay u baahan yihiin raashin lagu kaalmeeyo oo deg-deg ah, haddii kale ay xaaladooda nololeed ay ka sii dari doonto.

Xuska Sannad-Guurada 1aad Ee

Dhacdadii 11 Sept Oo Loo Qoondeeyay $9 Milyan

New York (Reuters): Maayarka magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa shalay kaga dhawaaqay shir-jaraa’id in sannad-guuradii 1aad ee ka soo wareegtay weerarkii diyaaradeed ee qarxiyay labadii fooq ee mataanaha ahaa, xaruntana u ahaa ganacsiga adduunka oo ah 11 September 2002, in lagu xusi doono xaflad ku kici doonta sagaal milyan oo doollar, iyadoo laga akhriyi doono magacyadii dadkii ku dhintay dhacdadaa, lagana akhriyi doono khudbado taariikhiya.

Maalintaas oo ku suntan geeridii 2,800 oo qof, waxaa lagu xusi doonaa qadar aamus ah oo lagu xasuusan doono dadkii ku dhintay iyo iyadoo la booqan doono qaraabadii dadkaa geeriyooday, waxaa kale oo halkaa laga tumi doonnaa muusiga geerida iyo astaamaha kale ee dadka lagu tacsiyadeeyo.

Duqii hore ee New York, Mr. Rudolf Giuliani oo looga aqoonsaday New York iyo dunida kaleba, hoggaamiyihii magaalada New York ee Madaxda ka ah magaalada xilli taariikhiyeedkeedii ugu xumaa masiiba soo marta, magaaladaa oo ay ku nool yihiin 8,000,000 (sideed milyan oo qof), ayaa Rudolf Giuliani, wuxuu isagu xuskaa ka akhriyi doonnaa magacyadii dadkii ku geeriyooday masiibaddaa ka dhacday New York 11 September.

Xuska dhacdadan 11 Sept ee sannadkan, waxaa halku-dheg looga dhigay “Simple and powerfull” oo noqonaysa; “Fudayd iyo Quwad” waxaanu Maayarka New York shir-jaraa’id oo uu shalay qabtay ka sheegay in Inkasta oo ay iskuuladdu furnaan doonaan iyo xafiisyada dawladdu maalinta 11 September, haddana aany maalin caadiya u noqon doonin qof waloo ku nool New York.

Madaxweyne Bush, ayaa isagu ka soo qayb-geli doona xuska 11 Sept ee galinka dambe maalintaas.

Pentagon-Ka Maraykanka Oo

Sucuudi Carabiya Ka Dhigay Cadow Maraykan

Washington (Reuters): Warbixintii bishii hore ee xafiiska Pentagon ee Gaashaandhigga Maraykanka oo isugu yimaadaan ragga ka taliya difaaca Maraykanka saraakiishooda ugu dhaw, ayaa laga soo xigtay in uu wadanka Sucuudi Carabiya yahay cadow soo koraya oo Maraykanka ka soo horjeeda iyo dal tageera Argagixisada.

Saraakiisha warkan laga soo xigtay, waxa ku jira Saraakiil hore Maamulka Maraykanka uga tirsanaan jiray oo arrintaa u xaqiijiyay Jariiradda Washington Post.

Xeel-dheerayaal ka tirsan Hay’ad madaxbannaan oo la yidhaa Rand Corporation, ayaa ku dooday in dawladda Maraykanku ay ku cadaadiso Sucuudiya Carabiya, sidii ay u joojin lahayd maal-gelinta ay siiso argagixisada Caalamka ku filiqsan iyo in ay wax ka qabato falalka lidka ku ah dawladda Maraykanka iyo Israa’iil ee ka jira dalka Sucuudiga gudihiisa.

Saraakiil sare oo ka tirsan Aqalka Pentagon oo codsaday in aan la xusin magacooda, ayaa sheegay in aragtida ku saabsan cadowtinimada Sucuudiga ku wajahan Maraykanka ay ahayd, mid ay soo jeediyeen guddi khubaro ah oo Siyaasadda Gaashaandhigga kala taliya Maraykanka ee aanay ahayn arrin si toosa uga soo baxday Saraakiisha Maraykanka ah ee aqalka Pentagon.

Warkani wuxuu xusay in khabiir ka tirsan Rand Corporation Mr. Laurent Murawiec oo ah la taliye dhinaca Siyaasadda Gaashaandhigga ee Maraykanka in kulankaa lagu falanqaynayay arrinta Sucuudiga uu ka yidhi erayadan; “Sucuudiga waxaa ka jirta firfircooni dhinaca argagixisada ah, marka laga bilaabo kuwa qorsheeya hawlaha argagixisada  ila kuwa maal-geliya, madax ilaa askarta u dagaalanta argagixisada, kuwa ah muhindisyada argagixisada, ila hormoodada argagixisada.”

Haweenayda Afhayeenka u ah aqalka Pentagon ee Gaashaandhigga Maraykanka, Victoria Clarke, ayaa war qoraal ah oo ay u dhiibtay Jariiradda Washington Post ku sheegtay in warkasi aanu ahayn mid uu soo jeediyay Golaha Difaaca ee Maraykanku oo la arki karin Siyaasadda u degsan aqalka Pentagon.

Victoria Clarke, Afhayeenka guriga Pentagon ee Maraykanku, waxay sheegtay in Pentagon-ku uu rumaysan yahay in Sucuudi Carabiya tahay saaxiib muddo fog la jaal ahaa Maraykanka oo Maamulkiisuna uu gacan ka geysto la dagaalanka argagixisada Caalamiga ah.

Ciraaq Oo Baadhayaasha Hubka Ku Xidhay Cuna-Qabataynta Oo Laga Qaado

Baqdaad (W. Wararka): Dawladda Ciraaq, ayaa ku xidhay soo noqoshada baadhayaashii dhinaca hubka, in marka hore laga qaado Cunaqabataynta saarnayd muddada 12-ka sannadood ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ciraaq, Naaji Sabri oo arrintan ka hadlayay maalintii shalay, ayaa sheegay in loo baahan yahay xal ku saabsan sidii Ciraaq cunaqabataytanta looga qaadi lahaa, inta aan dib loo soo celin baadhayaashii dhinaca hubka ee ka socday qaramada midoobay iyo in la sugo ammaanka Ciraaq, ayna ka nabad-gasho hanjabaadda Maraykanka ee ah inuu weerar ku qaadayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ciraaq oo haatan booqanaya Caasimadda dalka Urdun ee Cammaan, waxa uu intaa ku daray in qorshaha lagu baadhayo Ciraaq uu noqdo mid ka soo fulla Qaramada Midoobay ee aanu noqon qorshe uu wato Maraykanku, isaga oo mar kale ku celiyay sida ay dawladiisu diyaarka ugu tahay in baadhitaan lagu sameeyo dhammaan goobaha lagu tuhmayo hubka halista ah.

Hore ayay Ciraaq uga codsatay Maraykanka iyo Qaramada Midoobay-ba in ay u soo diraan baadhayaal dhinaca hubka ah, si loo xaqiijiyo eedaynta Maraykanka ee ah in ay Ciraaq haysato hubka halista ah, taas oo ay dawladda Ciraaqna marar badan beenisay.

“Maaha In La Diido

Ogolaanshaha Ciraaq Ee Baadhayaasha Hubka”

Koffi Annan

New York (Reuters) - Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Koffi Annan ayaa shalay sheegay in madaxa kooxda Q. Midoobay ee baadhista hubka halista ah uu tegi doono magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, si uu  wadahadalo ugala soo yeesho madaxda Ciraaq haddii ay muujinayso inay diyaar u tahay Ciraaq ku noqoshada kooxdii baadhista hubka halista ah ee Q. Midoobay oo ka maqnaa Ciraaq muddo 4 sannadood ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo warkan ka soo xigatay Diblomaasiyiin, waxay intaa ku dartay inuu xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay arrintaa ku noqoshada kooxda hubka halista ah ka baadhaysa Ciraaq uu la-tashi kala yeelanayo madaxii kooxdaa Mr. Hans Blix oo hadda fasax ku jooga dalka uu u dhashay ee Sweden.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq Mr. Naji Sabri ayaa toddobaadkii hore ka codsaday Mr. Hans Blix inuu yimaado Baqdaad, si ay wada-hadalo u yeeshaan, isaga iyo madaxda dawladda Ciraaq.

Golaha Ammaanka ee Q. Midoobay ayaa kulan ay yeesheen sannadkii 1999 oo ku saabsanaa hubka halista ah ee Ciraaq iyo kooxda baadhista ee Q. Midobay ayaa go’aamiyay in aan kooxda Q. Midoobay warbixin ka bixin karin heerka iyo xaaladda hubka halista ah, ilaa ay kooxdaasi dib ugu noqdaan Ciraaq oo ay hubiyaan wixii arrintaa ku kordhay tan iyo intii laga soo saaray kooxdaa Ciraaq Dec. 1998.

Xog-hayaha Qaramada Midoobay Koffi Annan ayaa sheegay maalintii Isnintii ee toddobaadkan, kadib kulan uu la yeeshay golaha ammaanka inuu marka hore ka dhursugi doono waxa ka soo baxa oggolaanshaha dawladda Ciraaq ee ah inay dib ugu noqdaan Ciraaq kooxda baadhista hubka halista ahi.

FAAQIDDAADA ADDUUNKA

Siciid I. Guraase

Damaca Maraykanka Iyo Duruufaha Ciraaq

 

Dawladda Maraykanka ayaa beryahan dambeba tumaysay durbaan ku saabsan weerar cusub oo ay ku qaadayso Ciraaq, taas oo dood badan ka dhex abuurtay fagaareyaasha siyaasadda ee lagu kulmo adduunka.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta haatan ku kelifaysa Maraykanka inuu weerar ku qaado Ciraaq oo markeeda horeba la liidata weeraradii hore loogu qaaday iyo cune-qabataynta lagu hayay muddada 12-ka sanadood gaadhaysa.

Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa soo saaray 6/8/1990 qaraarka lambarkiisu yahay 661, taas oo ah afar cisho kadib markii ay Ciraaq ku duushay dalka kuweyt oo ay qabsatay 2/8/1990. qaraarkaas oo dhigayay in Ciraaq lagu soo rogo cuna-qabatayn dhinac kasta ah, si loogu cadaadiyo inay ka baxdo Kuweyt.

17/1/1991-kiina waxa bilaabmay weerar milateri oo uu horkacayo Maraykanku, laguna qaaday Ciraaq, taas oo ku khasabtay ciidamadeeda inay kala baxdo Kuweyt.

Dhacdadan oo haatan laga joogo muddo 12 sannadood ah, ilaa hadda Ciraaq lagama qaadin cuna-qabatayntii lagu soo rogay. Taa beddelkeediina waxa socda hanjabaada Maraykanka ee ah inuu weerar ku qaadayo Ciraaq, inkasta oo maalmahan ay dawladda Ciraaq muujisay in ay diyaar u tahay baadhitaan lagu sameeyo hubka uu Maraykanku sheegay inay samaysanayso, taas oo uu mar-marsiiyo uga dhiganayo damaciisa ah weerar uu ku qaado Ciraaq.

Marka la eego jawaabaha arrintan laga bixiyay waxaa muuqata dareen rajo leh oo ka soo baxaya dalalka Carabta, kuwaas oo muujiyay inay ka soo horjeedaan weerar haatan lagu qaado, iyaga oo ku andacoonaya in ay taasi sii xoojinayso dhibaatada haysata dadka reer Ciraaq ee aanay waxba yeelayn maamulka Sadaam Xuseen.

Dalalka kale ee caalamkana waxaa muuqata inay badankoodu diidan yihin weerar lagu qaado Ciraaq.

Fikradaasi waxaa hormood ka ah Ruushka oo haysta taageerada dalal kale oo ku jira golaha ammaanka sida; Faransiiska iyo Shiinaha, balse waxaa aad ugu adag in duulaan lagu qaado Ciraaq dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska.

Su’aasha la is-weydiinayaa waxay tahay Sadaam Xuseen iyo George W. Bush, iyamay libintu raacaysaa haddii dagaal la isugu hub-qaato?

Jawaabta su’aashan cidi kama saadaalin karto, laakiin marka la eego duruufihii dhowaa iyo dhacdooyinkii la soo maray waxa la odhan karaa inaanu Maraykanku helayn taageeradii ballaadhnayd ee uu helay 1990-kii markii ay Ciraaq qabsatay Kuweyt.

Dhinaca Ciraaqna waxaa dhici karta in uu ka yimaado dhiidhi xoog leh oo lagu diidan yahay gardarada Maraykanka.

Waxaa kale oo meesha taal inay suurto-gal tahay dalalka Carabta oo la safta Ciraaq ama ugu yaraan diida in dhulkooda weerar lagaga qaado Ciraaq. Taas oo wax badan ka beddelaysa saamaynta uu yeelan karo duulaan lagu qaado Ciraaq, waayo markii hore waxay taasi fududayn jirtay in si dhibyar loo garaaco bartilmaameedyo Ciraaq ka tirsan.

Haddii aynu eegno labada nin ee arritan aad uga dhex muuqda waa Sadaam Xuseen iyo George W. Bush oo ah laba hoggaamiye oo ay ka dhaxayso colaad muddo soo jirtay, haatana isu bu’aya.

Si aynu shakhsiyadahooda wax uga ogaano aynu dib u eegno taariikhdooda iyo xaaladda ay haatan ku kala sugan yihiin.

Sadaam Xuseen waxa uu ahaa madaxweynaha Ciraaq ilaa 1979-kii, markaas oo uu is-casilay madaxweynihii hore ee Ciraaq Axmed Xasan Al-bakri muddadii uu xukunka hayayna Ciraaq waxay gashay laba dagaal oo waaweyn.

Sadaam waxa uu dhashay 28 April 1937, isaga oo ka dhashay qoys faqiir ah oo ku noolaa magaalada Takriit oo dhinaca waqooyi ka xigta caasimadda Baqdaad.

Sannadkii 1958-kii ayuu ku biiray xisbiga Al-Bacsi ee ka taliya Ciraaq, isaga oo ka qaybqaatay inqilaabkii ay Bacsiyiintu dhigeen 1968-kii. Sannadkii 1980-kii ayay Ciraaq weerar ku qaaday Iiraan, dagaal baana ka dhex qarxay labada dal, kaas oo socday ilaa 1988-kii. Kadibna Sadaam waxa uu ku duulay Kuweyt 1990-kii, waxaana lagaga saaray duulaan wada-jir ah oo ay ku qaadeen xulafo uu Maraykanku horkacayo bishii January 1991-kii.

Labadaa dagaal oo cawaaqib ba’an u geystay dadka reer Ciraaq, diiftoodiina ay la itaal daran yihiin.

George W. Bush waa madaxweynihii 43aad ee qabta talada Maraykanka, waxaana dhalay madaxweynihii 41aad ee Maraykanka George Bush. Waxa u dhashay 6/7/1946, waxaanu waxbarashadiisa dhammaystay 1968-kii.

George W. Bush waxa uu ka dhashay qoys ku soo dhex jiray siyaasadda muddo dheer. Sidaa darteed, wxaa la sheegay inuu leeyahay khibrad siyaasadeed.

Sannadkii 2000, ayaa loo doortay madaxweynaha Maraykanka, muddadii uu xukunka hayayna waxa Maraykanka ka dhacay weerarkii 11/9/2001 lagu burburiyay goobo muhiim ah oo ku yaala gudaha Maraykanka.

Tan iyo muddadaana waxa uu ku hawlan yahay la dagaalanka waxa uu ugu yeedhay Argagixisada, isaga oo dagaalkii ugu weynaa ku qaaday dalka Afganistaan.

Mr. Bush, haatan waxa uu ku dhex-jiraa jawi siyaasadeed oo kacsan iyo burbur dhaqaale oo soo food-saaray Maraykanka. Iyada oo uu xaalku sidaa yahay, ayuu haatana damacsan yahay weerar uu ku qaado Ciraaq, taas oo aan garawshiiyo haysan, maadaama aanay haatan jirn wax loogu mar-marsiyoodaa, Ciraaqna waxay ku adkaysanaysaa in laga qaado cuna-qabataynta muddada dheer saarnayd.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Wax Qabo Oo Iska Daa Dacaayada

Waxa aad carabka loogu hayaa hadal haynta Cisbitaalka guud ee faras magaalaha magaalada Hargeysa. Taas oo dhaliilaha la saaro ay ka mid tahay in aan dadka buka, ama xaalad culusi ay la soo kulanto, wax daryeela aan loogu qaban. Waxaa Haddaba aan leeyahay, shaqaalaha cusbitaalka guud ka hawlgalaa waa kuwo ka soo baxa si buuxda hawsha u taala iyaga oo si hufnaana iyo waliba ay ku dheertahay hawlkarnimo ugu shaqeeya dadkooda buka midkasta oo dhibaato la soo daristo. Inkasta oo dhakhaatiirta ka hawlgashaa ee ku qoran cusbitaalka guud aad moodo in ay ka seexdeen, isla markaana badidoodu ay furteen meelo barayfada ama goobo ay ku ganacsadaan haddana uma joogaan sidii loogu talogalay. Inkasto aanay ka maqnayn.

Marka ay xaalad culusi la soo deristo qofka bukaha ah meel kasta oo uu joogo oo ay doontaan dadka bukaha ah qaraabadoodu. Haddaba maaha sharciga caafimaadka marka aad eegto mid la doon doono dhakhtar ku qoran oo ka hawlgala cusbitaalka guud. Waxa hadaba iswaydiin mudan Maxaa ku dhacay hay’adaha u qaabilsan ama Wasaaradda caafimaadku ay waajibkeeda u gudan wayday oo inta maalin walba 10 siminaar ay furayaan aan faa’iido lahayn oo lacag badan lagu cunayo Maxaa loogu siin waayay lacagtaa dadka buka dawooyin iyo waxyaalaha deg dega ah ee loo baahdo marka ay xaalad deg degi timaado?

Dhakhaatiirta iyo dadweynaha ku nool magaalo Madaxda iyo waliba dadka u dhashay JSL ee jaaliyadaha ah ee ku nool dalka dibadiisa waa in aanay ku halaynin cid kale, waayo waa lafdhabartii dalka cusbitaalada ku yaalla JSL. Oo ay ahmiyada saaraan sidii ay uga haqab tiri lahaayeen cusbitaalka guud iyo kuwa kale ee ka dhisan dalka JSL, dawooyin iyo wixii aan looga maarmi karin..,waxa dhakhaatiirta xil aad u wayni ka saaran yahay dadka ay masuulka ka yihiin ee walaalahooda ee xaalad xanuun la soo daristay aanay afka u kala waaxin oo ayna lacag uun eegin, mushaharka naguma filna, aanay odhanin oo waxa aan ka doorbidayaa meesha barayfadka ah ee lacagta adag iiga soo galayso qof ayaan ka shaqaynayaa oo aan ahmiyada siinayaa.

Waa mid cadawnimo ah taasna ha ka waantoobaan oo sharciga caafimaadka yaanay meel kaga dhicin.

Bulshadana waxa la gudboon in ay iska daayaan aflagaadada iyo dacaayada oo qudhoodu dadaalaan siiba kuwa maalqabeenada ahi ama ganacsatada ahi ay dedaalaan oo midiba wax keeno cusbitaalka

Muxumed Axmed Cali. Hargeysa.

 

Ha Noqon Siyaasi

Waxaad uga qayb galinaysaa shaqaale aad xukunto dajinta go’aamada ugu horayn waa inay aqbalaan. hadaba isweydiintu waxay tahay sidee baad uga qayb galin kartaa? Waxaa jira dhawr hab oo aad uga qayb gali kartid waxaa ka mid ah inaad fadhi isugu yeedho oo ay kasoo qayb galaan Madaxda hay’adaha arrinku taabanaayo. waxaa jirta dariiqo kale oo ah inaad xafiisyada ugu tagto dadka aad Madaxda u tahay ood kala xaajooto arrinka la rabo in go’aanka laga gaadho, waxaa kuu furan inaad tilifoon kula xidhiidhid, waxaad u diri kartaa waraaqo aad ku cadaynayso arrinka aad doonayso inaad wax uga iftiimisid, dariiqo kastaana wanaag iyo xumaanba way leedahay. mana jirto qof cadayn kara dariiqada ugu wanaagsan Maxaa yeelay taasi waxay noqonaysaa hadba xaalku siduu yahay ha noqdo xaga arrinka ama xagga dadka ama xaga wakhtiga taasi waxay noqonaysaa hababka ugu wanaagsan ee go’aanada wada jirka loo qaato.

Hab kasta ood ka dooratid hababka aynu kor kusoo xusnay si aad u heshid go’aan loo dhan yahay, ka digtoonow go’aan ka gaadhay, adigoo u ekaysiinaysa inay go’aanka iyagu gaadheen, Maxaa yeelay taasi waa khiyaamo aan qarsoonayn haddii aad sidaa yeeshid uma baahnid dad kaala qayb gala go’aanada ee waxaad u baahan tahay dad kuu rixiya oo ku yidhaa waanu kugu waafaqsanahay rayigaaga waxaana jira masuuliyiin hay’adaha dawladda dhexe ka tirsan oo hababkaa isticmaala, gaar ahaan waxa kusii talax taga habkan agaasimayaasha guud , qaarkood markay ka hor timaado mushkuladi intay go’aamiyaan waxay rabaan inay ku talaabsadaan, ayaaa waxay u yeedhaan dhawr qof oo ka mid ah Madaxda ay ku kalsoon yihiin kuwaasoo lagu tilmaami karo guul wadayaasha bilaa dirayska ah, marka ay isku hubsadaan inay ogolaadeen guruubka guul wadayaashu go’aankoodii, ayay waxay isugu yeedhaan, maamulayaasha waaxaha oo idil ka dibna waxay soo dhex dhigaan arrintii sidii wax go’aankii hore loo gaadhay mid ka mid ahi inuu ogolyahay, midkalena waa ku raacayaa markay intoodii mid mid isugu raacaan ayay dadkii kale ee warmoogta ahaana ku dayanayaan sidaasaa go’aankii kooxdii guul wadayaasha iyo agaasimoohii guud meel mar ku noqonayaan. Waxaana loo qaadanayaa go’aan loo wada jiro, waxaase hubaal ah inay mar danbe ogaadaan in arrinku yahay mid habeenimo la soo dhameeyay.

Waxaa laga yaabaa in habkaasi lagu guulaysan karo haddii arrintu siyaasad tahay. Laakiin adigu ma tihid nin siyaasi ah adigu waxaad tahay gudoomiye, fuliye, ah waxaanad xaq u leedahay inaad arrinka goysid,iyagoo ogolaan dadka aad Madaxda u tahay, shirka waxaad ugu yeedhay inaad ka faa’iidaysid aqoontooda iyo xogogaalnimadooda balse waa inaad ogolaataa inay kuu soo gudbiyaan talooyin iyo fikrado wax ku ool ah shaqaalaha kaa hooseeyaa.

Waxaa kuu door roon inaad arrinka kaligaa goosatid, intaad go’aan wada jir ah oo been ah abuur ah ku gaban lahayd. Ha noqonina siyaasiyiin.

M. I. Sagax.

 

Golaha Wakiiladdu Dib Ha

U Jaleecaan Mar Kale Arrinta “Total”

Waxaa dad badani ogsoon yihiin in sannadkii 2000ka dabayaaqadiisii ay Golaha Wakiiladdu laaleen heshiiskii lala galay shirkada “Total Red Sea” markay in badan falanqeeyeen, balse uu arrintaa aad uga biyo diiday Madaxweynihii geeriyooday alle ha u naxariistee, Golaha Wakiiladda oo ku amaanan sida daacada leh ee ay ugu shaqaynayeen dalkooda hooyo xilna isaga saaraan sharciga ilaalintiisa ayaa looga fadhiyaa in ay wax ka qabtaan shirkadan shidaalka ay iibiso ka Jabuuti inooga yimaada ka jaban yahay. Dhinaca kalena shaqaalihii muwaadiniintii ahaa ee ka shaqaynayay keydka dhexe ee shidaalka Berbera ay ka dareerisay shaqooyinkii ay ka hayeen keydka badelkoodiina ay ka doonteen Jabuuti. Sidoo kalena culays xaga dhaqaalaha ah ku keentay shirkadaha wadaniga ah ee shidaalka dalka keena, oo aan loo kala sameyn sharci iyo awood u kala qeexa hawlahooda.

Haddaba, Golaha wakiilada waxa haboon mar kale in sidii muwaadinimadda lahayd ee ay hore ugu meel mariyeen laalista heshiiska Total ay iminkana go’aan cad ka soo saaraan arrintan dhibaatada ku haysa dalka & dadka.

Maxamed Xasan Dhalac. Hargeysa.

Wada Hadalkaa Ha Lagu Dhameeyo Arrinta

Haddii aanu nahay dhalinyarada iyo aqoon yahanka magacyadoodu hoos ku qoran yihiin ee Reer Burco, waxaanu kaga talo bixinaynaa arrinta u dhaxaysa ganacsade Cabdi Cawad Cali iyo maamulka Dawladda hoose ee Burco, ee ku saabasan dhulka u dhaxeeya ganacsadaha labadiisa bakhaar, Haddaba waxaan ku baaqaynaa,

1.       In aan wax xasilooni darro ahlaga abuurin arrintaa taasooaan reer Burco dan u ahayn.

2.       In salaadiinta, maamulka gobolka iyo odayaashuba wada hadalka ay wadaan ku dhameeyaan arrintaas. Dhanka kalena waxaa iyana amaan mudan cid kasta oo ka dadaashay in ay nabad gelyo arrinkaa lagu dabaalo.

Ibraahim Caydiid Cali

Yuusuf Maxamed Cilmi

Daahir Diiriye Axmed

C/Raxmaan Maxamed Shire

Farxaan Axmed Mataan

Jaamac Maxamed Xirsi

Gar-Diid Waa Alle Diid

Waa wax iska caadiya in marka tartan la galo waxa loo tartamayaa wuxuu doonaan ha ahaadaane inuu qof ku guulaysto ama loo arko inuu ku guulaysanayo. Waayo Soomaalidu waxay tidhaahdaa gari laba nin kama wada qosliso. Waxaan uga socdaa wixii ka dhacay shirkii uu qabsan lahaa Xisbiga SAHAN kaasi oo rag ka mid ah nin doorkii xisbigu ay ku kaceen waxyaabo aan laga filayn oo ka baxsan habdhaqanka dadka doonaya inay xil u qabtaan umada ballaadhan, waa wax caadiya in la isku khilaafi karo arin laakiin waxay ahayd inta aan la sameynin fawdo noocan oo kale ah in marka hore la isu yimaado oo la yidhaahdo hawshu sidan ku socon mayso ee xagee, ayaynu uga wareegnaa iyada oo la isu odhanayo si miyir qab ku jiro oo waayeelnimo wadata, waayo way dhammaatay waqtigii la odhan jiray LA ISU JOOJIN MAAYO soomaaliduna waxay tidhaahdaa gar diid waa alle diid.

Hadal iyo dhammaan waxa fiicanin la isu tanaasulo oo haddii aad maanta ogolaatid in hebel hawsha ku guulaysanayo aad la garab gashid waxa laga yaabaa inaad adna beri ku guulaysato, adiga oo laguu eegayo sidii wadaniyadu ku jirtay ee aad waqtigii hore yeeshay, haddiise uu xaalku noqdo haddii aan aniga lay dooran waxba socon maayaan wax uu arrinku u ekaanayaa ciyaalkii marka kubbada laga badiyo odhan jiray garoonka lagu ciyaari maayo ee tiinka iyo ooda dhigi jiray, kuna darso haddii aad maanta hagaajisan waydid xisbigii aad adigu aasaastay iska daa xisbi kale oo UDUB ayaan ku qaadanayn oo arrinkaagu wuxuu noqonayaa waraabihii hooyadii cunay habaryartiina ma uga rayn.

C/llaahi Faarax Qawdhan, Hargeysa.

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Ronaldo Oo Si Cad

U Dalbaday Inuu Inter Ka Tago

 

Rio De Janeiro (AP) – Weeraryahanka ugu gool-dhalinta badnaa koobka adduunka Ronaldo ayaa dalbaday inuu ka haajiro Inter Milan. Weeryahanku wuxu sheegay inuu maanku la hayo kooxda haysata koobka horyaalada Yurub ee Real Madrid. Sidaa waxa sheegay af-hayeen u hadlay Ronaldo.

“Ronaldo had iyo goor waan ixtiraamaa heshiiskiisa, si toos ahna wuu u fuliyaa. Laakiin hadda fekerkiisa maskax ahaaneed sidaa waa ka duwan yahay,” sidaa waxa wargeyska The Guardian u sheegay wakiilka Ronaldo Alexander Martins.

“Ma doonayo inuu shaqada Inter sii wado. Wuxuu rabaa in uu si farxad leh is baanto xaalad wanaagsana uu kubadda cagta ku ciyaaro,” ayuu ku daray Martins oo u qiil dayaya tegitaanka Ronaldo.

Ronaldo wuxuu filayaa in farxadi u beddesho ragaadkii uu Inter kala kulmay, taana uu kaga soo kaban karo Madrid.

Inter Milan, marna ma saldhigin rabitaankeedu tan iyo intii laga so guryo-noqday koobka adduunka.

Taageerayaal door ah ayay ka cadhaysiin doontaa ka tegitaanka Ronaldo ee San-Siro, waayo wuxuu qabaa kharash badan oo laba sannadood iyo badhkii ugu dambeeyay lagu dawaynayay miiska dushiisa. Iyada oo kooxdu ilaa muddadaa heegan ugu jirtay.

Hase yeeshee, af-hayeen Ronaldo u hadlay oo lagu magacaabo Rodrigo Paiva, ayaa ku adkaystay in ka tegitaankiisa Inter aanu ahayn wax-qabad aan mahad-celin buuxda lahayn, wuxuuna sheegay in ciyaaryahanku shaqo tag yahay, mustaqbalkiisana uu ka fekerayo. Iyada oo taasi jirto, haddana ma dafirin kaalmada loo geystay Ronaldo, basle wuu daba dhigay inuu isaguna ciyaarta Inter ku cawarmay. “Waa dahab in Inter ka dhur-sugtay intii uu soo kabanayay, laakiin waxa iyana run ah inuu ku dhaawacmay ciyaarta Inter,” ayuu yidhi af-hayeenka Ronaldo oo difaacay mana-sheegashada Inter ee Ronaldo.

Tabobaraha Inter Hector Cuper ayaa ka cadhooday markii Ronadldo ku laabtay Brazil sannadkii hore, markaas oo uu isku dayay inuu dhidibada u taago sidii uu caafimaad buuxa u heli lahaa.

Marna la islama fahmin rasmi ahaan waxay ku dambaynayso, balse af-hayeenku wuxuu tilmaamay in tabobaraha reer Argentina aanu jeclayn Braziliyiinta. Laakiin Cuper wuxuu ku adkaystay inaanu weligii odhan Ronaldo ma doonayo. Wuxuuna caddeeyay inay dhammaantood si wada-jir ah uga shaqeeyaan sidii Ronaldo ugu soo laaban lahaa ciyaaraha kubadda cagta iyo weliba inay Inter ku dul-dhisayeen.

Hector Cuper, wuxuu Ronaldo ku tilmaamay inuu yahay ciyaartoyga ugu fiican dunida. “Xataa 70% waa ciyaaryahanka dunida ugu fiican,” sidaa waxa yidhi Cuper oo qiimayn ku sameeyay ciyaaryahankiisa.

Ferguson Oo Patrick Vieira Xod-Xodanaya

 

Manchester (Reuters) – Maamulaha Manchester United Sir Alex Ferguson, ayaa ku dacaayadeeyay Arsene Wenger inuu u sheegay in ciyaaryahankiisa Patrick Vieira ka nasashada kulamada Gunners uu ka doorbidayo inuu Manchester u safto.

Xilli-ciyaareedkii cusbaa ilaa hadda ma bilaabmin, laakiin waa dabin uu xidhay tabobaraha Manchester oo doonaya inuu dhulka isu dhigo helitaanka Vieira kahor inta aanu tartanku bilaaban.

“Ciyaartoygu had iyo goor waxay tagaan kooxaha waaweyn. Noloshuna waa sidaa,” Ferguson wuxuu sidaa u sheegay wargeyska The Mirror.

Inkasta oo Vierira kal-hore ku gacan-saydhay dalab uga yimi Manchester, haddana Ferguson wuxuu rumaysan yahay inaanu jirin ciyaartoy kooxda diidayaa.

“Ma jiro ciyaartoy dalkan ah oo aan rabin inaanu Manchester u ciyaarin. Su’aali kama taagna inaanu nahay kooxda ugu taariikhda saraysas dunida,” ayuu ku daray.

Ferguson wuxuu aad u amaanay kooxda uu macallinka u yahay oo uu ku tilmaamay kooxa ugu asluubta fiican, uguna goolal-dhalinta saraysa dalka Ingiriiska. Ferguson wuxuu kale oo Manchester ku tilmaamay naadi guulo badan ka gaadhay ciyaaraha gudaha iyo kuwa dibeddaba.

Sidoo kale, wuxuu amaanay shaqsiyaddiisa oo uu ku sifeeyay mid nasiib badan oo ka shaqeeya kooxda dunida ugu wanaagsan, isaga oo ka hadlayana wuxuu yidhi; “Aad baan u nasiib fiicanahay. Waxaan ka shaqeeyaa kooxda dunida ugu wacan.”

Man. United waxay ku dedaashay heshiis inay la gasho Vieira xilli-ciyaareedkii tegay, markaas oo Faransiiska khadka dhexe go’aansaday in uu kooxdiisa ku negaado ama uu helo isbeddel cusub oo waddan kale ah.

Dhinaca kalena, wararku dhaw-dhaw Vieira ayaa tibaaxaya inuu u hanqal taagaya kooxda haysata horyaalka Yurub ee Real Madrid. Hase yeeshee, ma jiraan warar lagu kalsoon yahay oo ku saabsan rabitaanka Real Madrid oo labada dhinac midna ka soo baxay.

Madaxdii Tartamada Horyaalada Oo Is Casishay

B

rus ((Reuters) – Hoggaankii sare ee tartamada horyaalada kubadda cagta ayaa iska casilay xilalkii ay hayeen, kadib markii ay ku guulaysan waayeen dacwad ka dhaxaysay kooxaha iyo madaxda shirkadaha Telefishanada oo ku saabsanayd sidii canshuurta looga dhaafi lahaa qaar ka mid ah kooxaha oo dhaqaale xumo curyaamisay.

Guddomiyaha guddida Keith Harris iyo madaxa fulinta David Burns ayaa si wadajir ah is-casilaadooda ugu dhawaaqay Salaasadii shalay.

Labada nin waxay go’aankaa gaadheen 1-dii Augost, markaas oo maxkamadda sare laashay kiis ka dhan ah Carlton iyo Granada oo ambiil ka qaatay xukun eedayn ah. Labada nin waxa lagu waayay gef la xidhiidha 178.5 milyan oo gini oo ay labada mulkiile ee Telefishanka ITV horyaalada ku leeyihiin.

Mas’uuliyiinta is casilay waxay shaqo ka tegistooda bud-dhig uga dhigeen dhawr amuurood oo oo ay ka mid yihiin, markii maxkmaddu gar-waa siisay kiis ay kaga dacwoonayeen sidii ciyaaraha kubadda cagta looga dhaafi lahaa lacagta biilka xayaysiiska oo mid kasta sharci lagaga dhigay bixinta hal milyan oo gini.

Tiro ka mid ah guddoomiyeyaasha kooxaha ayaan iyana ku faraxsanayn bixinta heshiis cusub oo qiimihiisu yahay 95 milyan oo gini oo ay bishii tagtay gooyeen madaxda shirkadda BSKYB.

Guddoomiyuhu wuxuu ku andacoonayaa in muddada heshiiska oo afar sanadood ahi ay aad ugu yar tahay kooxaha.

War-murtiyeed uu soo saaray madaxa fulinta ee is-casilay Mr. Burns wuxuu ku difaacay sumcaddiisa madaxnimo, wuxuuna ku tilmaamay mid aan meesha qaban heshiiska ITV oo uu sheegay inuu burburay kahor intii aanu xilkan qaban. “Muddo ku siman 21 bilood oo aan xilka hayay waxaan ka shaqeeyay oo aan ku daalay sidaanu u horumarin lahayn maqaamka tartamada dhaqaale ahaan iyo siyaasad intaba, iyo si aanu sumcaddooda kor ugu qaadno una gaadhsiino dadweynaha,” ayuu yidhi Burns.

Mas’uuliyiinta is casilay waxay sheegeen in lagu deg-degay go’aanka maxakamaddu gaadhay oo bay yidhaahdeen aan u danaynayn kooxaha dhaqaale-xumadu hayso.

Guddoomiyaha xilka ka tegay oo ah khabiir ku xeel-dheer dhaqaalaha ciyaaraha ayaa sheegay inaanu maarayn karayn halista dhaqaale ee hada jirta, sidaa darteedna uu si madax-bannaan isaga nasanayo.

Kooxaha magaca weyn ayaa hadda u muuqda in ay u yeedhanayaan qof awood badan oo la dabbaasha xaaladda dhaqaale ee jirta.

Dhinaca kale, kooxaha heerka labaad iyo saddexaad ayaa isku deyaya inay u baydhaan warbaahinta gudaha. Hase yeeshee, iyaga laftoodu waxay xooga saarayaan sidii ay ula gorfayn lahaayeen kharashka xayaysiisyada ku baxaya.

Kooxaha derejada saddexaad ee waqooyiga iyo koonfurta ayaa kacay sannadkii 1958, waana sababta keentay in la sameeyo naadiyo heerka afraad ah.

Kooxda Ilo Tango Oo Ciyaaro Saaxiibtinimo Ugu Baxday Itoobiya

Harg (Haatuf):- Kooxda kubadda cagta ee shalay u baqooshay magaalada Harta-Sheekha ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay ciyaaro saaxiibtinimo kula soo yeelanayso kooxo ka dhisan degaankaas oo iyagu u fidiyay marti-qaad ciyaareed.

Kooxda Ilo Tango waxa la filayaa inay kulamo ciyaareed la yeelato kooxo kala duwan.

Safarka ciyaareed ee Ilo Tango oo ah kii ugu horreeyay ee ay ugu socdaasho meel Somaliland ka baxsan lama caddayn muddada uu qaadan doono.