Haatuf, Cadadki 138,  Aug.16,  2002

Bayaan Qaylo-Dhaan Ah Oo Ay

Soo Saareen Mudanayaasha G. Sool Kaga Jira Baarlamaanka Somaliland

 

Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha Gobolka Sool kaga jira Baarlamaanka, ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Somaliland in degdeg wax looga qabto xaallad biyo la’aaneed oo soo food-saartay bulshada gobolkaas. Sidaana waxay mudanayaashu ku sheegeen, bayaan qaylo-dhaan ah oo ay ka soo saareen magaalada Hargeysa, isla markaana ay na soo gaadhsiiyeen maalintii shalay.

Bayaankaa qaylo-dhaanta ah oo lagu socodsiiyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo ay saxeexeen lix Mudane oo ka mid ah Xil-dhibaanada labada Gole kaga jira Gobolka Sool, wuxuu u dhignaa sidan;

“Anagoo ah Xildhibaanada Gobolka Sool, waxaanu ogeysiinaynaa Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale in ay fadhiyaan, guud ahaan ceelashii biyaha gobolka.

Magaalo-madaxda Gobolka Sool ee Laas-caanood, ma jiro ceel qudha oo ka shaqeeyaa, dadkuna waxay ka cabaan ceellal gacanta lagu qoday oo wasakhaysan, lana siman musqulaha. Dadka danyarta ahina ma awoodaan in ay ka iibsadaan booyadaha, taas oo sababtay in ay dillaacaan xannuuno shuban leh oo ay keeneen biyuhu, taa waxaa dheer iyadoo laga baqaayo inuu Jiilaalku dabo-dheeraado oo ay ceelashu gudhaan.

Haddaba, sida aan kor ku soo sheegnay waxay dadka degan gobolku qarka u saaran yihiin in ay harraad u dhintan xilligan lagu jiro, iyadoo aanay dawladduna hadeer iyo mar hore toona wax ka qaban biyaha gobolka. Waxa dadku ku qiimeeyaan waxqabadka biyaha ee dawladda in ay tahay arrinta ugu horraysa ee dawladdu wax ka qabato. Waxa had iyo jeer shacabka iyo waxgaradka reer Sool nagala hadlaan biyaha, mana jirto hay’ad wax ka qabatay xilligan iyo xilli hore toona.

Mudane Madaxweyne, waxaanu kaa codsanaynaa in aad si degdeg ah wax uga qabatid, biyaha gobolka Sool, si loo badbaadiyo dadka tabaalaysan ee ay biyo la’aantu hayso.

Waxaanu rajaynaynaa Mudane Madaxweyne in aad noo tixgelin doonto codsigayagan.

Allaa Mahad Leh

1.       C/qaadir Xasan (Indho), Guurtida

2.       Axmed Xasan Saalax, Guurtida

3.       Cali Cumar-weyne (Cali dheere), Guurtida

4.       Cismaan Xuseen Gurxan (Kalash), Wakiilada

5.       Cawil C/laahi Caydiid, Wakiilada iyo

6.       Maxamed Yuusuf.

Mudane Baarlamaanka Kanada Ah Oo Socdaal Ku Imanaya Somaliland

Mr. Jim Karygiannis Waxa Soo Doortay Somalida Kanada…Waxaana Casuumay Baarlamaanka Somaliland

 

Hargeysa (Haatuf): Mudane ka tirsan Aqalka Wakiiladda (House of Commons) ee dalka Kanada oo ay soo doorteen Soomaalida Kanada, ayaa socdaal dhawr maalmood qaadan doona ku imanaya Somaliland maalmaha soo socda.

Mr. Jim Karygiannis oo xubin ka ah Guriga Baarlamaanka dalka Kanada, wuxuu socdaalkiisu ka dambeeyay martiqaad rasmi ah oo ay wada-jir ugu fidiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) Somaliland. Waxaanu muddada uu joogo Somaliland kulamo la yeelan doonnaa, Madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin, Wasiiro, ururada bulshada, saxaafadda, Golayaasha Baarlamaanka, Guddiga Doorashooyinka iyo ururada Siyaasadda ee isu-diiwaan-geliyay tartanka doorashooyinka. Siday sheegeen warar Socdaalka Mudanahaa ku saabsan oo aanu ka soo xiganay illo Baarlamaanka ka tirsan, Mr. Jim Karygianns, wuxuu dalka joogi doonnaa muddo 5-maalmood ah, waxaana la filayaa inuu August 20, 2002 soo gaadho magaalada Hargeysa. Mudane Jim, waxaa socdaalkiisa ku weheliya laba xubnood oo ka mid ah dadka reer Somaliland ee Kanada ku nool.

Mr. Jim, muddada uu dalka joogo waxa kale oo uu booqan doonnaa magaalada Berbera iyo degmada Sheekh, siday wararka sheegeenna inta uu ku guddo-jiro socdaalkiisa, kullanada uu yeellan doono iyo guud ahaanba booqashadiisa, waxaa si xidhiidh ah looga baahin doonnaa Warbaahinta dalkiisa Kanada. Warku wuxuu intaa ku daray soo dhawaynta iyo qaabilaada hore ee muddanahaa in loo xilsaaray Guddiyaasha joogtada ah ee labada gole ee Baarlamaanka Somaliland.

Mr. Jim Karygiannis, waxa codkooda siiyay oo u soo doortay kursiga mudane-nimo ee Aqalka Wakiillada Kanada, Soomaalida ku dhaqan dalkaas. Sidaa daraadeedna, wuxuu u dooddaa dadkaas Soomaalida ah ee doortay.

Wararka socdalka Mudanaha la xidhiidhaa, waxay tibaaxeen in Mr. Jim uu eegi doono muddada uu joogo, marxalladda Siyaasadeed ee dhinaca doorashooyinka ee dalku ku soo fool leh iyo guud ahaanba tadawurka iyo horumarka ka tis-qaaday dalka, iyadoo aanu weli helin aqoonsi Caalami ah. Marka uu laabtana, wuxuu bandhigi doonnaa wixii uu ku arkay Somaliland.

“Ilaahay Naguma

Xaqsan Inaanu Qaranka Xadno, Ee Anaga Oo Garbo-Duuban..”

Wasiirka Kalluumaysiga __ Waraysi

 

 

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Kaluumaysiga iyo horumarinta xeebaha, Axmed Xuseen Oomane ayaa ka xaal-waramay hawlaha iyo duruufaha wasaaradiisa, isla markaana jawaabo ka bixiyey su’aalo badan oo la xidhiidha xaj-miga wax qabad ee wasaaradiisu inta uu le’eg yahay iyo dhaliilo ay dadka dhaqdhaqaaqa xeebaha u dhuun-daloolaa u jeediyaan maamulka wasaaradda kaluumaysiga iyo waxyaalo kale, arimahaasna waxa uu wasiirku kaga hadlay waraysi khaas ah oo uu wargeyska Haatuf la yeeshay Arbacadii doraad, waraysigaas oo aad u xiisa badani waxa uu u dhacay sidan:

S:  Ugu horayn faah-faahin naga sii bal waxa ay wasaaradaadu qabato?

J: Wasaaraddu waxay qabataa hawlaha ay u xil-saaran tahay, sida tiro koobka iyo ilaalinta kaluunka iyo hawlaha kaluumaysi ee dalka ka socda, ka war-haynta guud ee bii’adda badda iyo hawlaha kaluumaysi ee ka socda badda, hadii uu yahay ka wadaniga ah iyo hadii uu yahay mid ajnebi ah, waxa kale oo ay shaqaalaha kaluumaysiga ee xeebaha joogaa u xil-saaran yihiin inay aroor walba eegeen inuu yimi wax isbedel ah oo ku yimi xeebaha iyo noolaha badda. Waxa kale oo aanu iminka ku mashquul sanahay kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha, gaar ahaan sidii ay aqoon wanaagsan ugu yeellan lahaayeen dabeecadaha iyo degaamada xeebaha, teknaloojiyadda casriga ahina waxay keentay in khayraadkii dabiiciga ahaa dhakhso loo dhameeyo, markaa waxay dunidu hadda ku mashquulsan tahay in la helo hab khayraadka dabiiciga ah ee badda lagaga ilaalinayo inaan la cidhib goyn.

S: Ma qiyaasi kartaa inta uu le’eg yahay xaddiga kaluunka ee nool baddeenna?

J: Xaqiiqdii lama tiring, laakiin fekrad waa ka haysanaa, badeenuna aad iyo aad bay hodan ugu tahay noocyada khayraadka badda, hadii aan qiyaasana kaluunka badeenna ku jira hadii si wanaagsan looga faa’iidaysto waxa uu ku filan yahay ama hanan karaa wax soo saar wershadeed oo meel dhexaad ah, taas oo macneheedu yahay inaanu ahayn kaluun aad iyo aad u badan, laakiin hadii aynu khayraadka badeenna si fiican u isticmaalo mustaqbalka waxa uu noqon doonaa mid la tartama dhaqaale ahaan wax soo saarka xoolaha nool, dakhliga cashuuraha iyo ganacsiga iyo beeraha.

S:   Wax war ah ma haysaan in kaluunka iyo khayraadka kale ee baddeenna ku jiraa ay dhaqan yihiin oo ay nabad qabaan?

J: Haa waanu ognahay, marka la eegayo meeli inay xaaluf-tay iyo inkale waxa la isu eegaa kaluunka laga soo qabtay inta uu le’eg yahay iyo kii sannadkii hore laga soo qaban jirey inta uu le’eg yahay, tilmaanta u horaysa ee lagu gartaana waxa weeye inta uu culayskiisa iyo dhererkiisu le’eg yahay, waayo hadii meesha aad looga kaluumaysto kaluunka ku nooli waa yar yahay, maxaa yeelay xabbada weyn oo dhan waa la qabsanaya, markaa aad iyo aad buu kaluunka badeenna ku jiraa u wanaagsan, wararkan iyo baqahan aynu muujinayno ee aynu leenahay badeenii waa la xaalufiyey waxba kama jiraan, badeenuna waa qani.

S: Waxa jira warar sheegaya inaad maraakiib badan oo kaluumaysi ruqsad siiseen, kuwaas oo kaluunka badda ku jira markiiba dhamaynaya, arintaa ka warran?

J: Niman aan aqoon yahano u arkaayey ayaa ii yimi waxay yidhaahdeen waxaanu doonaynaa laba markab oo kaluumaysi inaad ruqsad noo siisaan, waxaan u sheegay inaanay maraakiibtoodu noqon nooca shabakadda badda salkeeda dhigta, waan u ogolaaday, aagga ay ka kaluumaysanayeenna waxa uu ahaa Lug-haya ilaa Bullo-xaar ilaa jiidda Berbera, laakiin bil ka bacdi ayey dad ka war-haynta badda noo qaabilsani noo soo sheegeen oo ay yidhaahdeen maraakiib jibiiq (xaalufinaysa) ku kaluumaysanaysa ayaa badda ku jirta, waanu ka war doonay hadii aanu meeshii tagnay waxaanu aragnay 6 markab oo baddii ku jira, anigana laba keliya ayaa ruqsadda la igaga qaatay, dabadeed anaga, jananka ciidanka Qaranka iyo wasaaradda maaliyadda ayaa isla kaashanay, waxaana lagu saaray ciidan ka tirsan ilaalada xeebaha, maraakiibtaa waxa lala dhacay xabbad oo ilaa laba ka mid ah ayaa la dhaawacyo loo geystay oo mid ka mid ah hogaaminta ayaa laga burburiyey, laakiin waxba lagama qaban, maalintaa ka bacdi mid aanu ruqsad siinay iyo mid xadaya toona badda ma soo gelin, mana jiraan wax baddeenna laga xadaa. Waxaanu iminka wadnaa qorshe aanu dhowaan dhamaystirayno, taas oo aanu doonayno inaanu nidhaahno ma jiro Markab dambe iyo shirkad dambe oo kaluumaysi oo Liisan siinaynaa ilaa uu marka hore  horumarinta xeebaha wax ka qabto, waxyaalaha la doonayo inay qabtaana waxa ka mid ah, waa inay qaboojiyayaal dhisaan, waa inay baraf-dhaliyayaal dhisaan, waa inay kaluumaysatadeena doonyo u keenaan ay hadhow hab deyn ah uga goostaan, waa inay shidaalka iyo shabaakta u keenaan, dabadeed-na wixii ay soo saaraan ay ka iibsadaan. Markaa maanta waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego oo aad qortaan inaan wax ruqsad kaluumaysi ah la bixinayn ilaa la helo inuu Markabkaasi ama shirkadaasi diyaar u yihiin inuu ka shaqeeyo horumarinta xeebaha oo uu caawiyo kaluumaysatadeena.

S: waxa la idinku eedeeyaa inaad maraakiib iyo doonyo badan ruqsad siisaan oo aad wax la cuntaa, markaa imisa markab ama doonyood ayaa wasaaradaada ka diiwaan-gashan?

J: Walaahay tirada ma hayo ee doonyo badan baa naga diiwaan-gashan, laakiin maraakiib waaweyn oo aanu Ruqsad siinay oo baddeenna maanta ku jiraa ma jiraan, wayse xadi karaan, mase aan maqal, lamina soo sheegin wax maraakiib oo baddeenna ku jiraa, ta kale aniga iyo shaqaalahayga toona Illaahay naguma xaqsan inaanu qarankayaga xad-no, dadnimo ahaan iyo damiir ahaana arintu heerkaa nagama gaadhin, dushayadana waa laga arki lahaa hadii aanu nahay rag wax cunay ee taasi waa beenta ay dadku iska shubayaan.

S: doonyaha aad sheegtay inay idinka diiwaan-gashan yihiin dakhli ma idinka soo galaa?

J: Doonyaha dalkeena jooga waxay u badan yihiin Saylac, Berbera iyo xeebaha bariga ka xiga, laakiin waxa uu dakhli naga soo galaa doonyaha ka yimaadda Jabuuti ee ka kaluumaysta aagga gobolka Awdal, laakiin xeebaha bari (Karin iyo wixii ka sii shisheeya) dakhli naf lihi nagama soo galo, waxaana hubaal ah inay doonyo badan oo Yameni leedahay iyo doonyo kale oo wadani ahiba ay ka kaluumaystaan dadka degaamadaa ku nool ayaa la heshiiya oo foosto-foosto Shidaal ah ka qaata.

S: Marka laga yimaado Xarunta wasaaradda, waxa kale oo la sheegay inay maamulayaasha gobolada iyo degmooyinka idiin jooga inay yihiin ragga ugu badan ee la qadhaabta doonyaha xeebaha ka kaluumaysta, taasi ma jirtaa?

J: Soomaalidu meel aanay waxba jirin bay wax ka doon-doontaa, laakiin anaga markii uu hadalkaasi batay waanu iska wareejinay lacag qabashadiiba, waxaanuna ku wareejinay wasaaradda maaliyadda, qaybta cashuuraha Beriga, halkaa u dhaafi maayo, laakiin hadii uu meeshaa qalad ka jiro cidda leh hala baadho anaga (kaluumaysiga) iyo iyaga (Maaliyadda) midka uu doono ha noqdee, waxaana naga dhexeeya wada shaqayn.

S: Wax soo saarkiina khayraadka badda aad baa loo dhaliilaa, hadda ma haysaan wax mashaariic cusub ah oo aad wax soo saarkiina kor ugu qaadaysaan?

J: Maya, miisaaniyadda wasaaradda hadii aad eegto waa 150 Milyan oo shillin Somaliland ah sannadkii, boqol iyo dheeraad milyan waa shidaalka iyo kharashkii kale, taasi waa dawladda, dhinaca kale hayadaha samafalka waxa ay bixiyaan waa 20-kun oo dollar iyo soddon kun oo doolar iyo afartan kun oo doolar, lacagtaasina waxay goysaa hal doon, markaa hadii ay hal doon bixiyaan ma Saylac baan geeyaa, mise Berbera, mise Maydh, laakiin Mr: Haatuf (isaga oo la hadlaya weriyihii waraysanayey) waxaan ku leeyahay xukuumaddu lacag ma haysato kow dheh, dadkeena ganacsatada ahina maal-gashan waaye kaluumaysigii laba dheh, caawimo debedeed-na waanu waynay saddex dheh, sidaa darteed anaga oo garbo-duuban oo garanayna waxa aanu qabanayno iyo waxa ay ummaddani u baahan tahay ayaanu haddana baddii oo uu khayraadkii ka buuxo sidaa u daawanaynaa.

S: Waxa la sheegay inaad nin dadweynaha siiseen Neck-fishtii (Xarunta kaluunka) Berbera, taasi ma jirtaa?

J: Maanu siin ee waanu ka kiraynay, markaa wuu maamulayaa uun, anaguna cashuuro baanu ka qaadaynaa, horena way jireen qolooyin laga kireeyey ta Berbera iyo ta Saylac-ba, laakiin aanu ka qaadnay markii ay waxba ka soo saari waayeen, laakiin waxaanu ku talo jirnaa in aanu Xarunta weyn ee kaluumaysiga Berbera madax banaanayno oo aanu dadka ku wareejino, markaana waa loo tartamayaa qofkii doonaana waa ka qayb geli karaa.

S: Marar hore waxa jirtey inuu kaluun bakhti ah ku soo caaryey meelo xeebaha ka mid ah, taas oo ay dadka xeebaha jooga qaarkood sheegeen inuu kaluunkaasi sumoobay, idinku sababta uu kaluunkaasi u bakhtiyey maxaad ku sheegaysaan?

J: Horta waxa la sheegayaa kaluun qudha ma ahayn ee waxa uu ahaa noole oo daaca qudhunkii badda ku dhintay, umana dhiman sun, dunida oo dhanna cimiladii is bedel baa ku dhacay.

S: Ma samayseen daraasad aad ku xaqiijinaysaan sababta uu noolahaasi u dhintay?

J: Haa, waxa ku dhacay Alarjig, arintaasina waa wax caam ah oo dunida oo dhan ka dhaca.

S: Dadka qaarkood waxay leeyihiin kaluunkaasi waxa uu u dhintay sun ay badda ku daadisay Maraakiib waaweyni, taas ma waxaad leedahay ma jirto?

J: Haa ma jirto, horta dadkeennu war bay iska odhanayaan, sida ta aad leedahay lacag baad qaadataan, ninka weriyaha ahina aduunyada kale waxa uu ka war-bixiyaa wax uu aqoon u leeyahay, sida siyaasadda, dhaqaalaha IWM, waar badda sun lagu daadin karaa ma jirto, markaa taasi ma jirto’e yaanay arintu inaga noqon sidii ninkii Reer-Ceerigaabo ee yidhi “Xoolahayagii Rift Valley ayaa ku dhacay”, isaga oo aan garanayn dhibaatada uu keenayo, markaa waxaan leeyahay baddeenu ma sumays-na, mana jirto sun lagu daadiyey.

Weftiyo Golaha Guurtida

Ah Oo U Kala Baxaya Gobolada

 

Hargeysa (Haatuf): Aqalka odayaasha Somaliland, ayaa bilaabay diyaar-garow ay ugu qalab-qaadanayaan fullinta hawl-gal ballaadhan oo la xidhiidha wacyi-gelinta bulshada ee marxalladda dalku marayo. Isla markaana, waxa gobolada dalka oo dhan u kala amba-baxaya wufuud xubnaha Golaha Guurtida ka kooban.

Siday Haatuf u sheegeen xubno Baarlamanka ka tirsani, gobol kasta waxaa socdaal ugu baxaya koox ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida, waxaanay ka fullin doonnaan gobolada ollole wacyi-gelineed oo la xidhiidha adkaynta nabadgelyadda iyo arrimaha doorashooyinka.

Weli lama sheegin xilliga kama dambaysta ah ee ay wufuuddaa Golaha Guurtidu amba-baxayaan, hase yeeshee waxaa lagu wadaa in ay dhakhso ugu kala safraan gobolada. Waxaana hadda lagu gudda-jiraa siduu warku sheegay, qaban-qaabadii iyo diyaarintii gaadiidka ay raaci lahaayeen wufuudda Goluhu.

Xukun Dil Ah Oo Ay

Soo Saartay Maxkamadda Berbera

 

Berbera (Haatuf):- Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa dil ku xukuntay nin lagu magacaabo Axmed Cabdi Yaasiin (Maaliki), kaas oo ku eedaysnaa inuu gegystay fal dil ah oo dhacay daboyaaqadii sannadkii hore (2001).

Siduu noo soo tebiyay weriyahayaga gobolka Saaxil C/raxmaan X. Daahir, war ammuurtaas ku saabsan oo laga soo xigtay maxkamadda ayaa sheegay in xukunka dilka ah ee maxkamaddu ku xukuntay Axmed Cabdi Yaasiin la go’aamiyay kadib markii ay caddaatay inuu si badheedh ah ninkaasi toorray ugu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Cabdi Faarax C/llaahi, 5/12/2001, abaara 9:00-habeenimo, isaga oo marxuumku ku sugnaa meherad bacadle ah oouu ku lahaa magaalada Berbera. Siduu weriyahayaga u sheegay hawl-wadeen ka tirsan maxkamaddu, odayaasha labada reer ee marxuumka iyo gacan ku dhiigluhu ka so kala jeedeen ayaa iyana isku af-gartay dilka gacan ku dhiiglaha.

Wefti Berbera U Tegay Xallinta

Duruufo Dhinaca Caafimaadka Ah Oo Ka Jira

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka iyo shaqada ee Somaliland oo hoggaaminaya lix xubnood oo ka kala socda wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda shaqada dawladda ee Somaliland ayaa booqasho shaqo ku tegay horraantii toddobaadkan Berbera.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil C/raxmaan X. Daahir, ayaa sheegay in hawsha shaqo ee weftigaasi ugu soo kicimeen Berbera ay la xidhiidho u kuur-galka cabashooyin beryahan dambe ka jiray dhinaca cisbitaalka guud ee Berbera.

Weriye C/raxmaan X. Daahir, wuxuu intaa ku daray, in weftigan oo uu hoggaaminayo Maxamuud Jaamac Warfaa (W/xigeenka W. Caafimaadka ee Somaliland), uu kulamo kula yeeshay magaalada Berbera Maamulka caafimaadka ee gobolka Saaxil.

Guddiga caafimaadka ee gobolka Saaxil iyo shaqaalaha cusbitaalka Berbera oo uu ka dhegaystay cabashooyin ku saabsan mushahar la’aan haysata shaqaalaha cusbitaalka Berbera, waxaanau Mr. Maxamuud Jaamac Warfaa kadib kulan uu ku dhegaystay xaaladda ka jirta cusbitaakla Berbera u sheegay weriye C/raxmaan X. Daahir oo wargeyska Haatuf uga soo warama gobolka Saaxil, in arrimaha qaarkood uu weftigu ku xallin doono inta uu joogo Berbera, wixii kalena ay kula noqon doonaan madaxda sare ee dawladda Somaliland, fadhigooda Hargeysa.

Wasiir ku xigeenka wasaaarada Caafimaadka iyo shaqada ee Somaliland Mr. Maxamuud Jaamac Warfaa waxaa kale oo uu sheegay in weli weftigiisu ku gudo-jiro u kuurgelida xaaladda guud ee hawlaha caafimaadka ee gobolka Saaxil iyo cusbitaalka guud ee Berbera.

Abwaan Hadraawi Oo Sheegay
Inuu Joojinayo Hal-Abuurka Suugaanta

Muxuu Ka Yidhi Saadaasha Mushkiladda Somaliya?

 

Burco (Haatuf): Abwaanka weyn ee caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa qorshaynaya dhawaan si rasmi ah inuu uga fadhiisto mihnadiisa hal-abuurnimo, isaga oo hadda gacanta ku haya dhammaystirka saddex gabay oo uu ku soo geba-gebaynayo Suugaantiisa.

Abwaanka sida weyn Soomaalidu u tixgeliso oo hadda da’diisu lixdan foodda la gashay, waxa uu dhawrkii sannadood ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada Burco, halkaas oo uu saldhig ka dhigtay, si uu dadka gobolka iyo guud ahaan dalka ula qaybsado danta iyo duruufaha nololleed ee ay ku sugan yihiin.

Waxa uu wakhtigiisa inta badan ku qaataa gurigiisa oo ku yaalla cidhifka K/Galbeed ee magaalada oo uu ku cibaadaysto, nasashana ku qaato, fadhi magaalada hoose uu ka leeyahay oo uu gelinka hore ku qaabilo dadka danaha kala duwan ka leh iyo dhaqdhaqaaqyo samafal oo guud iyo inta badan kuwo gaar ah ama shakhsi ah oo uu u fidiyo dadka jilicsan ee hareerihiisa ku dhibaataysan.

Hadraawi oo aan dhawr habeen saacado badan kula qaatay, ardaaga gurigiisa Burco oo ah badiyaa habeenkii kula caweeyo martidiisa booqashada ugu tagta iyo dhallinyaro gabayaa ah ama suugaanta xiiseeya oo doonaya in ay wax kala hadhaan, waxa uu damaq iyo dareen xannuun leh ka bixiyay duruufaha qallafsan ee haysta bulshada uu ku dhex nool yahay, taas oo saamayn weyn oo uu dareemayo ku leh, isaga oo dhinaca kalena la dhibaataysan doogta nabarradii uu taliskii Milateri ee Siyaad Barre u geystay wakhtigii uu bilaabay halgankii dheeraa ee uu kaga gilgishay cabudhintii iyo cadaadiskii taliska, waxana uu abwaanku ka cawdaa xannuun ka soo raacay xabsigii adkaa ee uu muddada dheer ku jiray, kaas oo ah hawo jidhka gasha oo kadibna dhiigga raacda.

Hadraawi oo door hormood ah ka qaatay halgankii hubaysnaa ee lagu riday taliskii Siyaad Barre, isaga oo ku caan baxay suugaan qani ah oo xambaarsan ama uu dadka ugu gudbiyo inta badan aragti Siyaasadeed uma muuqdo nin xiiso u haya Siyaasadda. Inkasta oo uu marar hore oo kala duwan uu dhalliilay Maamulka Somaliland, waxana lama huraan ah in aragtidiisii Siyaasadeed ay mar isla bedeshay maansooyinkiisa oo ka weecday dariiqii hore intii ka dambaysay 1990-kii, markii uu tiriyay gabaygiisii Gudgude. Intii wakhtigaas ka dambaysay Abwaanku, waxa uu sameeyay siddeed Maanso, kuwaas oo xambaarsan aragti diini iyo dacwad ku baaqaysa in Allah loo noqdo, loona hoggaansamo awaamiirtiisa.

Maansooyinkaas oo soo baxay sagaashanaadkii, dhammaantood waa la faafiyay marka laga reebo Maanso la yidhaahdo HAL IYO HALKEED oo gebi ahaanba ka hadlaysa, fasirna ka bixinaysa Eebbe keli ahaantiisa iyo awoodihiisa. Maansadaas lama faafin, waxana uu sheegay in ay tahay Maanso kakan oo dadka uu ku adkaanayo fahamkeedu, ayna u baahanayso sharaxaad dheer.

Laakiin, dhawrkii sannadood ee uu u dambeeyay ee uu dalka ku sugnaa abwaanku, wax maansooyin ah ma samayn, sababo loo aanayn karo, iyadoo ay muuqatay in aan la weelayn ama aan dheg loo yeelan maansooyinkiisa dambe ee diiniga ah iyo isaga oo u arka inuu joogo wakhtigii uu ka fadhiisan lahaa hal-abuurka, kaalintana uu u bannayn lahaa jiilalka ka dambeeya, ee soo koraya.

“Wax macne ah uma samaynayso dadka, haddii aan anigu uun weligay soo hortaagnaado,” ayuu yidhi Hadraawi. Abwaanka Hadraawi, waxa uu ii sheegay in uu dhawaan soo saari doono saddex gabay oo uu ku khatimayo suugaantiisa, kuwaas oo uu sheegay in mid ka mid ahi uu si cad u bayaaminayo inuu ka fadhiistay hal abuurka iyo sababaheeda.

Dad badan oo reer Somaliland, gaar ahaan halgamayaashii SNM, waxay tebayaan Abwaan Hadraawi oo isaga iyo Abwaannadii kale ee la aragtida ahaa Maansooyinkooda lagu tilmaami karo dabkii bisleeyay halgankii hubaysnaa ee lagula jiray taliskii cadaadiska, waxayna qaarkood ku dooddaan in Abwaanku uu garabkooda ka baxay gaba-gabadii halganka, ayna doonayeen inuu sii wado hoggaamintii iyo tilmaantii looga bartay ilaa laga gaadho halkii uu dadka ugu baaqayay ama la higsanayay ee ahayd xorriyad, caddaalad iyo barwaaqo.

Inkasta oo uu Abwaanku hore u caddeeyay isbeddelka aragtidiisa iyo halka sartu ka qudhuntay, isaga oo hore u sheegay in uu soo helay xalka mushkiladda, taas oo ah Islaamnimada oo loo noqdo iyo ku dhaqanka kitaabka Allah u soo rogey in dunida lagu maamulo, haddana mar kale ayaa Hadraawi waxa uu ka jawaabay sida looga gudbi karo mushkiladda dabadda dheeraatay iyo waxa uu ka saadaalin karo, isaga oo inshaaray halgan hor leh oo uu ku tilmaamay lama huraan inuu u yahay guusha iyo badhaadhaha.

Jawaabta oo faah-faahsan la soco cadadka dambe.

Maxaabiis Al-Qacida Ah Oo Isku

Dayay Inay Isku Del-Delaan Jeel Dhexdii

Mike Woodridge

 

Gautanomo Bay, Cuba (BBC) – Ugu yaraan 30-qof oo ah dadka loo haysto in ay xubno ka ahaayeen Al-Qaacida iyo Daalibaan ee ku xidhan meesha loo yaqaan Guatanamo Bay oo ah Saldhig ay Ciidamada Badda ee Maraykanku ku leeyihiin Kuba, ayaa isku dayay in ay iskood isu dilaan. Sidaasna waxaa sheegay Dhakhaatiirta ka hawl-gasha xerrada Gautanamo Bay ee Kuba ku taal.

Guatanamo Bay, waxay ahayd meel shaqaynaysay 7-bilood ee ugu dambaysay imikana waxay hoy u tahay tiro 598 maxaabiis loo haysto in ay xubno ka ahaayeen ururka Al-Qaacida iyo Maamulkii Daalibaan ee Afgaanistaan.

Dhakhaatiirta Maraykanka ee ku sugan halkaa, ayaa baadhid caafimaad ku sameeya marka ay maxaabiistu soo gaadho, waxayna sheegeen dhakhaatiirtaasi in intooda badan uu caafimaadkoodu wanaagsan yahay, laba qof oo laga helay in ay qabaan cuduro, marka laga reebo. Ninka Taliyaha ka ah xerrada Ciidamada Badda ee Guatanamo Bay, ayaa dhawaan u sheegay weriyayaal halkaa booqday in ilaa 30 ka mid ah maxaabiistu ay isku dayeen in ay iskood isu dilaan, iyagoo madaxa la dhacay gidaarka ama ku adkeeyay cunaha wax siririn kara, laakiin Mr. James Radkee, wuxuu sheegay in aanay maxbuusna u suurto-galin inuu is-dilo ama dhib weyn uu isu geysto.

Gautanamo Bay, hadda way buuxdaa, waxaa ka socda dhisme lagaga dhisayo ilaa 200 oo ah qolalka xabsiyada ee dadka lagu xidho, sidaa waxaa dhawaan sheegay Taliyaha xerradaas Mr. James Radkee oo u waramayay weriyayaal halkaas ku booqday.

Xeradan Guantanamo Bay oo ay isticmaali jireen Maraakiibta iyo Ciidamada Badda ee Maraykanku, waxay u muuqataa in ay imika noqonayso xabsi rumaan ahaan loogu hayo dadka ku eedaysan hawlaha argagixisada, taas oo uu Maraykanku u arko qaab lagu fuquuqi karo, dhaqdhaqaaqoodana lagu xayiri karo dad looga shakisan yahay hawlaha argagixisada, laakiin kooxaha u doodda xuquuqda aadamaha ee dunida, ayaa walaac ka muujiyay siday sharciga u waafaqsan tahay in qofka loo hayn karo rumaan muddo dheer, iyadoo Maxkamaddi xukumin.

Guriga Hoose Ee Baarlamaanka Nayjeeriya Oo Ku Taliyay In Madaxweynuhu Is Casilo

 

Lagos (Reuters) – Guriga Hoose ee Baarlamaanka wakiilada ee Nayjeeriya ayaa toddobaadkan ka codsaday madaxweynaha Nayjeeriya Caaqil Olusegun Obasanjo inuu is casilo, haddii kale oo u diyaar-garoobo in lagu soo fadeexadeeyo maamul xumo mas’uuliyadeed.

Golahaas baarlamaanka ee Nayjeeriya, waxay soo jeediyeen ereyadan:

“Halkan waxaan ku soo jeedinaynaa talo ah in caaqil Olusegun Obosanjo, inuu si daacadnimo ku jirto isu casilo muddo laba toddobaad gudahood ah. Muddadaas oo ka bilaabanta maalintii codsigan laga soo jeediyay aqalka hoose ee Baarlamaanka Nayjeeriya oo ahayd maalintii Salaasadii ee toddobaadkan.”

Soo jeedintaa is-casilaada, waxaa oggolaaday 360 mudane ooka tirsan aqalkaas baarlamaanka ee Nayjeeriya.

Mudanayaasha aqalka hoose ee Baarlamaanka Nayjeeriya, waxaa loogu yeedhay kal-fadhi deg-deg ah oo aan caadi ahayn, si ay uga doodaan eedaymo loo soo jeediyay madaxweynaha Nayjeeriya, kuwaas oo kala; maamul-xumo, ixtiraam la’aan iyo inuu fulin waayay miisaaniyaddii dalka ee ay hore u ansixiyeen golayaasha sharci-dejinta ee Nayjeeriya.

Labada aqal ee sharci-dejinta ee dalka Nayjeeriya; (aqalka hoose ee wakiilada iyo aqalka sare ee mudanayaasha), waxay aqlabiyadda mudanayaasha ka tirsani ay ka yimaadaan xisbiga Peoples Democratic Party (PDP) oo uu hoggaamiyo caaqil Olusegun Obasanjo, xisbigaas oo sidoo kale haysta aqlabiyadda (36) dawlad-goboleedyada ee federaalka Nayjeeriya.

Madaxweynaha hadda oo hore u ahaa taliye xukun-meletari. Wuxuu hore uga badbaaday eedaymo la doonayay in xukunka lagaga tuuro, laakiin hadda waxaa is beddelay jewiga siyaasadda ee Nayjeeriya, ilaa intii ay dib u dhacday doorashooyinkii dawladaha hoose ee Nayjeeriya xiligii loo qorsheeyay, iyo iyada oo walaac ka jiro doorashooyinkii madaxnimada ee qorshaysnayd in laga qabto Nayjeeriya sannadka soo socda in la qaban doono iyo inkale.

Obasanjo wuxuu hore u caddeeyay qorshihiisa ah, in dib loogu doorto jagada madaxweynenimada Nayjeeriya ee uu hadda hayo. Laakiin siyaasi sare oo ka tirsan xisbiga Obasanjo ee PDP, wuxuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xisbigoodu uu guddi u gaara oo sir ah u saaray inay soo xulaan musharax kale oo aan ahayn Obesanjo.

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Inter Iyo Real Oo

Ka Wada Hadlaya Iibka Ronaldo

 

Madrid, Spain (AP) – Guddoomiyeyaasha kooxaha Real Madrid iyo Inter Milan Florentino Perez iyo Massimo Moratti, ayaa bilaabaya wadahadal ay fasaxa toddobaadkan ku gorfaynayaan la kala wareegida xiddiga sare ee Brazil Ronaldo oo ku biira kooxda barteed-yaqaanka ah. Sidaa waxa Khamistii daabacay maalinlaha ciyaaraha ka faalooda ee The Marca.

Wargeysku wuxuu sheegay in labada mas’uul ku kulmayaan jasiiradaha Balearic Islands, halkaas oo uu ka furmayo wada-xaajoodka heshiiska ciyaartoygu.

Moratti, ayaa laga soo xigtay inuu ciyaartoyga ku doonayo qiime gaadhaya ilaa 100 milyan oo.lacagta Yurub ah. “Qiimahaas ayaan ku meelayn karaa Ronaldo, kadib markaan arrimo kala duwan ka fekeray,” ayuu yidhi Moratti, isaga oo jooga magaalada Lisbon, halkaas oo uu kaga qayb-galay daawashada kulankii horyaalka Yurub ee dhexmaray Inter iyo Sports Lisbon.

Perez oo ay tartan kula jiraan Palma iyo Mallorca, ayaa ka aamusay dhacdadaa. Hase yeeshe, wargeysyada Spain waxay qoreen in Real Madrid diyaarisay 48 milyan oo lacagta Yurub ah in ay ku rabto 25-jirka weeraryahanka ah, oo inta uu dhawaan ka soo laabtay dhaawac muddo dheer ah, haddana ku tallaabsaday inuu hoggaamiyo tartanka gool-dhalinta markii waddankiisu ku guulaystay koobkii shanaad ee adduunka.

Wargeysyadu waxay daabaceen in Real Madrid ay lacagtaa raacinayso heshiis ah mid amaba dhawr ciyaartoy, waxaana suurtogal ah inuu noqdo Faransiiska caalamiga ah ee khadka dhexe Claudio Makelele ama Braziliga khadka dhexe ee Flavio Conceicao.

Wararka arrintani waxay sii xoogaysteen markii Ronaldo Arbacadii kaga dhoofay Talyaaniga…socdaal saddex maalmood ah oo uu Brazil ugu kicitimay, halkaas oo la filayo inuu ka qaybgalo kulan saaxiibtinimo oo Arbacada dhexmaraya waddankiisa iyo Paraguay.

Moratti wuxuu quud-daraynayaa in ciyaartoygu Milan ku soo laabto ciyaarta kadib.

“Waan la hadlayaa, si aan u ogaado bal sida uu Yahay. Wuxuu tegay Brazil, wuuna soo laabanayaa, kadibna waanu la hadlaynaa,” ayuu yidhi guddomiyaha Inter.

Tan iyo markii uu fasaxa ka soo noqday toddobaadkii hore, Ronaldo wuxuu ka maagay tabobarka iyo kulankii Sportin Lisbon.

Warbaahinta Isbaanishka ayaa si xidhiidh ah u wada kalsoonida ay ku qabaan in Ronaldo si dhakhso ah ugu biirayo Real Madrid oo ku bixinaysa qiimihii saddexaad ee dunida ugu sarreeyay, tan iyo intii la doortay Perez bishii July 2000.

Real Madrid, muddo yar gudaheed ayay dhigtay rikoodhadii dunida ugu qaalisanaa markii ay Luis Figo Barcelona kaga iibsatay 56 milyan oo dollar, isla sannad kadibna ay Zidane kaga soo iibsatay Juventus 65 milyan oo dollar.

Ballack Oo Noqday

Ciyaaryahanka Sannadka Ee Germany

 

Berlin (Reuters) – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Michael Ballack, ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka kubadda cagta Jarmalka ee sannadkan. Tallaabadani waxay soo baxday, kadib markii la tiriyay sahaminta ay sannadkiiba mar ku sameeyaan qorayaasha ciyaaruhu dhammaan wargeysyada ciyaartoyga wax ka qora.

Ballack oo Bayer Leverkusen sannadkan ka caawiyay inay soo gaadho kama-dambaysta horyaalada Yurub, isla markaana qarankiisa keenay ciyaartii dhammaadka ee koobka adduunka. Wuxuu helay 433 cod. Tiradaasina waxay kaafiday inuu ka badiyo jaalkiisa caalamiga ah Oliver Kahn, oo kaalinta labaad ku helay 345 cod.

Goolhaye Kahn, wuxuu kaalinta hore ugu guulaystay sannadihii 2000-2001.

Waa markii ugu horaysay ee 25-jirka Ballack taabo abaal-marintan oo sannadkiiba mar la bixiyo tan iyo 1960-kii.

Ballack waa nin dheer oo awood badan ku leh khadka dhexe, wuxuuna awood u leeyahay inuu dhexda goolal ka dhaliyo.

Xaalad kastaba 17 gool ayuu Leverkusen u dhaliyay horyaalka Bundesliga ee xili-ciyaareedkii hore.

Ciyaartoyga kale ee codadka helay waxaa ka mid ah Miroslov Klose (Kaiser Salautern) oo helay 35 cod, Bernd Schneider (Levkusen) 21 cod iyo Marco Bode oo toddoba cod helay.

Dhinaca tabobarayaasha; Klaus Toppmoeller (B. Leverkusen) oo 396 cod helay ayaa ku guulaystay tabobaraha sannadka. Wuxuuka hormaray Mathias Summer (B. Dortmund) oo helay 163 cod. Tabobaraha qaranka Rudi Voeller oo kaalinta saddexaad galay ayaa helay 161 cod.

“D. Beckham Waxaan Weydiinayaa Siduu U Soo Qaloociyo Laadka Xorta Ah”

Tony Adams
 

London (Reuters) – Difaacyahankii hore ee xulka qaranka iyo Arsenal Tony Adams ayaa sheegay inuu bilaabayo barashada cilmiga ciyaaraha, balse aanu ku talo jirin inuu markale ciyaaraha dib ugu laabto.

35-jirka jooga dheer oo todobaadkan waraysi khaas ah siiyay wargeyska The Observer, ayaa sheegay in uu maqaam sare ka gaadhay ciyaarta, sidaa darteedna la gaadhay waqtigii uu ka nasan lahaa u safashada kooxaha.

Difaaca kkhadka dhexe, wuxuu waraysigaa ku sheegay inuu bisha September bilaabayo waxbarasho saddex sannadood ah oo la xidhiidha cilmiga ciyaarta, maadaama buu yidhi aan farsamo ahaan u bartay kubadda cagta waxaa lama huraan ah inaan cilmi ahaana u derso.

Adams oo ka hadlaya qaybaha waxbarasho ee uu baranayo iyo waqtiyada uu duruusta qaadano ayaa tilmaamay inaanu u baahnayn in sida carruurta uu wax u barto, wuxuuna yidhi; “Toddobaadkiiba waa 18 saacadood oo laba ka mid ahi muxaadaro yihiin, saacado badan ookalena waa hawlo kala duwan oo shaqo ah, iyo laba imtixaan oo sannadkii layga qaadayo. Sannadka hore waxaa khasab ah in gunta hoose laga soo bilaabo, wax badana la dhegaysto.”

Tony Adams, wuxuu aad u danaynayaa barashada xirfadda kubadda, gaar ahaan buu yidhi; farsamooyinka uu isticmaalo kabtanka xulka England.

“Sannadka labaad iyo saddexaad waxaa la baranayaa farsamooyin gaar ah. Anigu waxaan mudnaanta siinayaa siduu David Beckham laadadka xorta ah u soo qalloociyo,” ayuu ku daray.

Tony Adams, isaga oo ka jawaabaya su’aal la xidhidha bal inuu isu diyaarinayo inuu tabobare noqonayo iyo inkale, wuxuu sheegay inaanu diyaar u ahayn, balse haddiiba ay dhacdo uu hoosta ka soo bilaabayo shaqadaa tabobarka.

Kabtankii hore ee Arsenal iyo England wuxuu qiray inay jiraan codsiyo badan oo uga yimi kooxaha mustawaha hoose ah xagaagan.

Tony Adams wuxuu kaloo waraysigaa ku muujiyay inaanu ciyaaraha gabow uga fadhiisan, balse ay soo ridatay mushkiladda ka dhalatay dhaawacyo xad-dhaaf ah oo bariinsaday qaybaha kala duwan ee jidhkiisa.

Dhacdooyinkii Ugu

Dambeeyay Ee Ciyaaraha Afrika

 

Lagos (Reuters) – Kooxda Enyimba ayaa xejisatay horyaalka dalka Nayjeeriya, markii ay 2-1 ku legeday El-Kanemi oo ay gurigeeda kula ciyaartay Axaddii la soo dhaafay, guushaas oo noqotay markiiugu horraysay ee ay horyaalnimada dalka qaadato tan iyo 1990.

Kooxda ka dhisan magaalada Aba ee Bariga wadankaa, waxay goolal ku kala bixi lahaayeen kooxda ku soo xigtay, haddii ay badiso. Isla markaana ay guul-daraysato, laakiin taasi maba dhicin oo waxay si lama filaan ah uga badisay Warriors oo iyadu heerka labaad dib ugu dhacday, weerarka uu qaybtii labaad ka faa’iideeyay Eric Fascindo.

Kooxda Enyimba waxay horyaalka ku qaadatay 16 dhibcood oo ay ka heshay 34 ciyaarood. Waxayna afar dhibcood ka horraysaa Enugu Rangers, oo kaalinta labaad gashay.

Kooxda ku guulaysatay horyaalnimadu waxay sannadka dambe ka qaybgelaysaa tartanka horyaalnimada qaaradda cagaaran (African Champions Leuge), halka Enugu Rangers ay Nayjeeriya uga qaybgeli doonto tartanka koobka kooxaha midnimada Afrika (CAF).

Kooxda Iwuanyanwu Nationale ooka mid ahaan jirtay naadiyada waddankaa kuwa ugu cad-cad ayaa horyaalka xagga dambe ka qaaday, waxayna fadhisatay martabadda ugu dambaysa.

TABOBARIHII HORE EE LIBERIA OO XULKA DIB LOOGU SOO CELIYAY

Liberia – Tabobarihii hore ee Laybeeriya Kadala Kromah, ayaa dib loogu doortay gacan ku haynta xulka waddankaa, wuxuuna beddelayaa George Weah oo lagu dhaliilay niyad-jab ka dhashay tartankii qaramada Afrika ciyaarihii kama-dambaysta ahaa ee ka dhacay waddanka Mali.

Kromah, waxaa tabobaraha cusub ee xulka toddobaadkii hore magacaabistiisa soo saaraee xulka toddobaadkii hore magacaabistiisa soo saara xidhiidhka ciyaaraha qaranka, xilka cusubna wuxuu la wareegayaa maalinta Isniinta.

Kromah oo ah 50-jir khibrad u leh tabobarka kooxaha waxaa looga fadhiyaa inuu soo dhiso xul adag oo metala haybadda iyo sharafta waddanka Liberia.

Tabobaraha cusub, wuxuu shaqadan oo kale hore uga soo qabtay waddamada Benin, Cameroon, Ghana iyo Nayjeeriya. Wuxuu muddo afar bilood ah gacanta ku hayay xulka Liberia sannadkii 2000, balse wuxuu iska casilay markii ay Sudan kaga badisay kulan ka mid ah ciyaarihii isreeb-reebka koobka adduunka, waqtigaas oo lagu beddelay George Weah.

Kooxda Liberiya kulanka ugu horreeya waxay ugu dhoofaysaa waddanka Guinea, halkaas oo ay bisha soo socota ka bilaabmayaan ololaha loogu soo baxayo tartanka qaramada Afrika oo 2004 ka dhacaya Tunisia.

XULKA CONGO OO TABOBARE CUSUB LOO DOORTAY

Xidhiidhka ciyaaraha waddanka Congo ayaa tabobarenimada xulkooda u magacaabay tabobare Swizerland oo lagu magacaabo Claude Andrey inuu gacanta ku qabto kooxda qaranka. Tallaabadani waxay dhacday toddobaado kadib markii waddankaa loo oggolaaday inay ka qaybgalpaan is-reebreebka qaramada Afrika. Sidaa waxa toddobaadkii hore caddeeyay sarkaal ku hadlay ciyaaraha.

52-jirka Andrey, wuxuu xilka kooxda kala wareegayaa Henri Endzanga oo jagadaa loo doortay bishii tagtay. Andrey wuxuu tabobare ka ahaa Etoile Carauge ooka dhisan waddanka Switzerland. Wuxuu kale oo jagooyin ka soo qabtay waddanka Greece.

Waddamada kale ee kooxahooda tabobarayaasha u doonaya waxaa ka mid ah kuwo badan oo ka tirsan qaaradda. Ujeedada ugu weyni waxay tahay sidi waddamadaasi isugu diyaarin lahaayeen ololaha loogu jiro ciyaaraha isreebreebka qaramada Afrika.

Waddamadaas waxaa ugu horreeya Mauritania iyo Senegal oo ku wada jira mid ka mid ah qaybaha laysku soo reeb-reebayo.