Haatuf, Cadadki 139, Aug.18, 2002

Laas-Caanood: Imaatinka C/Laahi Yuusuf, Jawiga Magaalada Iyo Jawaabta Xukuumadda Somaliland

“Arrinta C/laahi Yuusuf, waa arrin dawladeed oo Bayaamin maayo….. Imaatinka Daahir Rayaale-na Waa la hadal hayaa”Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

 

Laas-caanood (Haatuf): Hogaamiyaha maamul-gobolkeedka Puntland, Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa labada maal-mood ee foodda inagu soo haya la filayaa inuu yimaado magaalada Laas-caanood ee Xarunta gobolka Sool ee bariga Somaliland, sidaana waxa xaqiijiyey qaar ka tirsan hogaamiyayaasha beesha Sool oo aanu la xidhiidhnay, iyaga oo jooga Laas-caanood.

Cabdilaahi Yuusuf waxa uu maalintii shalay socdaal ku tegay magaalada Gaal-kacayo, isaga ka bixitimay magaalada Garoowe ee Xarunta maamul-goboleedka Puntland, iyadoo Cabdilaahi Yuusuf si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalada Gaal-kacayo, waxayna wararku sheegeen in Cabdilaahi Yuusuf iyo ragga weheliyay laga soo gelbiyey Tuulada Buurtinle oo uu ku soo hakaday, hadal-na u jeediyey dadka magaalada ku dhaqan, sidoo kale hogaamiyaha puntland, Cabdilaahi Yuusuf waxa jimcihii doraad meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha Reer Garoowe, wuxuuna u sheegay inuu dhamaaday waqtigii kala qaybsanaanta Puntland oo uu yimi wakhtigii midnimadu .

Warar socdaalka Cabdilaahi Yuusuf ee Gaalkacayo waxay sheegeen in suldaan la yidhaahdo Suldaan Axmed Maxamed Maxamuud (hure) uu maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Gaalkacayo, waxayna wararku sheegeen inuu suldaankaasi ku dhintay iska hor-imaad dhex-maray ilaaladiisa iyo ciidamada daraawiishta loo yaqaan ee maamulka Cabdilaahi, iyadoo ay wararka kalena leeyihiin waxa Suldaankaa si toos u dilay ciidamada Cabdilaahi Yuusuf, laakiin ilaa hadda lama hayo warar madax banaan oo si kama dambays ah u xaqiijinaya sida ay suldaankaa ugu dhacday xabadda dishay.

Dhinaca warar aanu ka helay magaalada Laas-caanood ayaa in labadii maal-mood ee shalay ka horeeyey (Jimcihii iyo khamiistii) uu magaalada ku sugnaa taliyaha ciidamada Cabdilaahi Yuusuf, Col: C/semed Cali shire, sida ay wararku sheegeena C/semed waxa uu watey saddex baabuur oo tikniko ah iyo ciidan ilaalo ah oo ay tiradiisu gaadhayso ilaa 30 askari, wuxuuna C/semed intii uu Laas-caanood joogay kulamo la yeeshay qaar ka tirsan hogaamiyayaasha reer-Sool.

Garaad Saleebaan garaad Maxamuud oo ka mid ah garaadada waaweyn ee beesha Sool oo aanu isgaadhsiinta telefoonka ku waraysanay xalay, isaga jooga Laas-caanood ayaa mar wax laga waydiiyey imaatinka Laas-caanood ee C/semed jawaab difaac ah ka bixiyey, isla markaana ka war-wareegay inuu tafaasiil ka bixiyo socdaalka la filayo inuu Cabdilaahi Yuusuf ku yimaado Xarunta gobolka Sool ee Laas-caanood.

“C/samed waa nin dhul-bahante ah, waanu iman karaa halkan (Laas-caanood), waanu yimi” ayuu yidhi Garaad Saleebaan, laakiin garaadka mar la waydiiyey imaatinka Cabdilaahi Yuusuf ee Laas-caanood waxa uu yidhi “ Arintaasi waa arin dawladeed oo sii biyaamin maayo, haddana wax jawaab ah ka bixin maayo”.

Wararka ku saabsan imaatinka Cabdilaahi Yuusuf ee gobolka Sool waxay ku soo beegmeen waqti la hadal hayo inuu Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale kaahin u kaan-kaansanayo inuu booqasho ku tago gobolka Sool, iyadoo ay wararka la xidhiidha socdaalka la hadal hayo ee Daahir Rayaale tibaaxeen inuu xidhiidho la sameeyey madax-dhaqameedyada Reer Sool, laakiin garaad Saleebaan oo aanu wax ka waydiinay booqashada Madaxweyne Rayaale la filayo inuu tago gobolka Sool inay xidhiidho socdaan, balse aanu Rayaale weli si rasmi ah ugu soo bandhigin socdaalkiisa Sool. “Intaa waanu wada hadal-naa Daahir Rayaale, laakiin si rasmi ah nooguma uu soo bandhigin imaatinkiisa, hase yeeshee waa la hadal hayaa inuu halkan (Sool) u soo baxayo” ayuu yidhi garaad Saleebaan.

Xukuumadda Somaliland ayaanu, iyana dhinaceeda wax ka waydiinay imaatinka Cabdilaahi Yuusuf ee gobolka Sool, waxayna sheegeen inaanay filayn inuu Sool yimaado, laakiin waxay Xukuumaddu qirtay inay wufuud maamulka Puntland ahi yimaadeen Laas-caanood.

Wasiirka arimaha gudaha Xukuumadda Somaliland, Cabdilaahi Cumar Cige oo aanu xalay fiidkii la xidhiidhnay, isla markaana aanu waydiinay mawqifka dawladda Somaliland ee ku waajahan xaaladda ku soo korodhay gobolka Sool ayaa sheegay inay ragga maamulka Puntland ka socda ee Laas-caanood yimi ay yihiin rag degaankaa u dhashay oo awelba hore u iman jirey. “Sida aanu warka ku hayno meesha buuq badan badan baa ka dhacay oo lagu diidan yahay raggaa (ragga maamulka Puntland), markaa iyaguna guul ka gaadhi maayaan meesha” ayuu yidhi wasiirka daakhiliga Somaliland, wuxuuna intaa ku daray “ ninkaa Cabdilaahi Yuusuf-na inaanu imanayn baanu filaynaa”. Hase yeeshee wasiirka mar aanu waydiinay bal inuu jiro wax qorshe ah oo ay xukuumaddu ku waajahayso xaaladda cusub ee ka soo korodhay Sool waxa uu ku jawaabay “ qorshahayagu waa noo gaar, ku talo galna waanu leenahay waayo meesha maamulkii baa jooga”.

Wasiirka waxa mar kale la waydiiyey inay wax talaabo ka qaadanayaan haddii uu Cabdilaahi Yuusuf Laas-caanood yimaado ma qeexin jawaabta ay xukuumaddu ka bixin doonto iyo nooca ay noqon doonto, wuxuuna si kooban u yidhi “ Markaa uu Cabdilaahi Yuusuf yimaado wixii talaabo ah ee aanu qaadanaynaa waa wax noo yaal”.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa, iyaguna tibaaxay inay kooxo ciidamada Somaliland ahi labadii maal-mood ee ina dhaafay isku urur-sanayeen koontaroolka dhinaca galbeed ee magaalada Laas-caanood, kuwaas oo la sheegay inay walaac ka qabaan ciidamo xooggan oo maamulka Puntland ahi inay soo galaan Laas-caanood.

Madaxweyne Rayaale Oo Shaaca Ka Qaaday Inay, Isaga Iyo Ku-Xigeenkiisu Isu Taagayaan Tartanka Madaxtinimada

“Wakiilladu way ku kala jabeen dastuurka, intii u coddaysay waxay is-tuseen in ay Somaliland dhaqaaqdo”M/Ku-Xigeenka

“Wax kasta oo adag waa in aynu doorashada jiidhnaa”Xoghayaha UDUB

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku dhawaaqay inay, isaga (Rayaale) iyo Kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin u taagan yihiin tartanka doorashada madaxtinimada, sidaana waxa uu Madaxweyne Rayaale ka sheegay kulan ay shalay yeesheen madaxda, Xubnaha golaha dhexe iyo xubnaha urur-siyaasadeedka dawladda ee UDUB, kulankaas oo lagu qabtay guriga ururka UDUB ee ku yaal xagga dambe ee madaxtooyada Somaliland waxa lagaga dhawaaqay inuu ururka UDUB bilaabayo ololaha doorashada dawladaha hoose oo ay guddiga doorashadu u cayimeen 27-ka bisha Oktoobar ee foodda inagu soo haysa.

Kulankaas oo si weyn loo soo abaabulay waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka, isla markaana ah gudoomiyaha iyo gudoomiye-xigeenka ururka UDUB oo ay weheliyaan dhammaan Xubnaha golaha wasiirada iyo weliba inta badan badhasaabada iyo maayarada magaalooyinka iyo madax kale oo dawladda ah, sidoo kale waxa ka soo qayb galay madaxda ururka UDUB iyo xubno ka tirsan baarlamaanka oo ka mid yahay gudoomiye-xigeenka wakiilada, mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde.

Shirkaas oo ay san-qadhiisu aad u badnayd, isla markaana ay dadkii isugu yimi madax iyo minjoba isku dhaafsadeen khud-bado iyo sawaxan gubaabadu ku badan tahay waxaanu idiibka diyaarinay war-bixin tafaasiil ka bixinaysa jawigii shirka iyo khud-badihii la isku dhaafsaday, waana tan war-bixintii:

“Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo uu dhinaca midig ka fadhiyo kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin, labada kursi ee dhinaca bidixna ay ka xigaan xoghayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir iyo marwadiisa, Huda Barkhad ayaa sawaxan iyo sacab lagu soo dhoweeyey ka dib ku fadhiistay kursi ka mid ah minbarka laga hogaaminayey shirka, Madaxweyne Rayaale iyo Kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf waxa Madaxa u saarnaa laba koofiyadood oo ay salaanta hore kaga xar-dhan tahay summadda ururka UDUB. Cutubyo koofiyad-casta ilaalada madaxtooyada ah ayaa daba yaacayey Madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin markii ay soo galeen kaamboolka shirku ka socdey, sidoo kalena cutubyo ciidan ah ayaa gaaf-wareegayey gudaha iyo debedda guriga shirku ka socdey ee Xarunta UDUB, isla markaana shirkaasi waxa uu ahaa mid ay saqan-dhiisu aad u badan tahay, kaas oo ay ka qayb galkiisa iyo jaammayntiisa si weyn uga dhex-muuqdeen maamulayaasha ururka iyo madaxda dawladdu. Isla markaana Madaxweyne Rayaale iyo maamulayaasha dawladiisu waxay u muuqdeen niman boodhka ka tumay xisbiga UDUB oo ay san-qadhiisa iyo dhaqdhaqaaqiisu aad u gamaareen tan iyo intii uu geeriyooday madaxwenihii hore ee Somaliland, marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal.

Mudane Ismaaciil Mire oo ka tirsan wakiilada ayaa shirka daadihinayey, wuxuuna qaybtii khud-badaha ugu horayn ku soo dhoweeyey gudoomiye-kuxigeenka wakiilada, mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “ ninkii markhaati kuu fura waxa la yidhaahdaa markhaatigaaga janno Alla ha furo, markaa haddii aanu golayaasha nahay UDUB markhaati bay noo furtay waayo anaga oo leh waar waa la gaadhay waqtigii Axsaabta la furi lahaa ayaa dad badani shaki geliyey oo la yidhi waar miyaa waallan tihiin sow inagan wada hubaysan, sow inaga tan ah, sow inaga teer ah, waxaan xusuustaa maalin uu isugu kaayo yeedhay marxuumkii (Madaxweynihii hore), waxaana la iswaydiiyey su’aalo la leeyahay waar maxaynu yeelnaa, waqtigaasna mucaaridku aad bay wax u kululaynayeen oo sidii runtii ah uu socdey is-abaabul yar qaloocani, dabadeedna Illaahay maalintaa wuu na waafajiyey oo waxaanu ku talinay si ay mucaaradka iyo xukuumaddu u kala bad-baadaan waa in Axsaabtii la sameeyo oo ay markaa UDUB iyo Axsaabtu wada hadlaan, markaa UDUB wuu noo markhaati furtay waayo waxa uu noqday ururkii u horeeyey ee dhaqan galay, maantana sagaal bay marayaan, waxaan filyaa saacadda aynu halkan fadhinona ururkii u dambeeyey oo ah ASAD inuu shirweyne ku leeyahay guriga shaqaalaha. Waxa kale oo aan ururka UDUB uga mahad naqayaa, rifidda aad iyo aad loo rifayo, taas oo mid geya iyo mid aan geyiniba uu rifayo, laakiin ay haddana dul-qaad muujiyeen.

Anigu waanigii hore u ballan-qaaday inaan Axsaabta dhex u ahaanayo, waanan u noqday haddii aanaan u noqonna goluhu ma shaqayn kareen, shuruucda naga dhiman ee doorashooyinka dambe sugayaana Illaahay waanu ka rajaynaynaa inaanu dhamaystirno, UDUB-na waxaan leeyahay talaabada aad maanta bilowdeen ee ololaha dawladaha hoose Illaahay ha idinla garab galo” ayuu C/qaadir hadalkiisa ku soo af-jaray.  Intaa ka dibna xoghayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi aw-Daahir ayaa cod-baahiyaha la wareegay, wuxuuna ugu horayn yidhi “ Madaxweynayha iyo Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland, ahna gudoomiyaha iyo gudoomiye-xigeenka ururka UDUB iyo Xubnaha bah-weynta UDUB iyo Xubnaha golayaasha, waan salaamayaa, munaasibaddana waxa maanta leh gudoomiyaha iyo gudoomiye-kuxigeenka ururka (Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf)”. Intaa ka dib Cabdi Aw-Daahir waxa uu jeediyey war-bixin ku saabsan ururkiisa UDUB, waxaan hadaladiisa ka mid ahaa “ ururka waxa la aasaasay 30-kii May 2002, waxaana aasaasay taageerayaasha ururka UDUB ee ku baahsan dhammaan gobolada Somaliland, waxaana ku bahoobay dhammaan dhinacyada bulshada Somaliland oo uu hogaaminayey hogaankii talada qaranka hayey, taas oo hogaankii talada hayey inta uu usha halkaa isku dhigto uu horseedo inuu tartanka ka qayb galo, runtii markiiba falal adag oo uu ugu badnaa shir-beeleedkii ayaa ka hor yimi, taasna xisbiga UDUB, isaga oo dhinac kasta u dhigaya waxay noqotay inuu dadka u hago inay doorashadu tahay ta qudha ee maanta lagaga bixi karo dhibaatada”.

Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu ku dacwiyey inuu xisbigiisu kal hore diyaar u ahaa doorashada, laakiin ay xisbiyada qaarkood codsadeen in dib loo dhigo doorashada, taasna waxa uu ku tilmaamay inay waxoogaa debec ah ku keentay abaabulkii ururkiisa, laakiin waxa uu Cabdi Aw-Daahir ka hadlay geeridii Madaxweynihii hore iyo isbedelkii ku yimi hogaanka UDUB, wuxuuna yidhi “ Waxa jirtey inuu gudoomiyihii xisbiga UDUB oo xisbigana bud-dhige u ahaa geeriyooday, laakiin markiiba sida uu sharcigayagu dhigayo waxa jagada gudoomiyaha ururka UDUB la wareegay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, maantana isaga ayaa hogaan ka ah ururka oo xadhiga u haya, waana xisbi midaysan”.

Xoghayaha UDUB, waxa kale oo uu ka hadlay tartanka doorashada dawladaha hoose ee loo cayimay dabayaaqada bisha Oktoobar ee foodda inagu soo haysa, isaga oo carrabka ku xejiyey inaanu ururkiisu qabin haba yaraatee baqaha ay dadka ama ururada qaarkood qabaan, wuxuuna yidhi “Maanta waxa la doonayaa 23 degmo oo Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ah in laga soo dhiso 379 xubnood oo golaha degaanka ah iyo 379 xubnood oo kayd ah, kuwaas oo isku noqonaya 758 xubnood, waxaana doorashada golayaasha degaanka inaga xigta in ka yar 26 cisho, hawsha doorashadana cid kale oo dib u dhigta mooyaane xisbiga UDUB wuu u diyaar inuu ka qayb galo dhammaan doorashooyinka soo socda”.

Laakiin xoghaya UDUB waxa uu mar kale yidhi “ laba nin oo col dagaal gelinaya mid waxa uu sheegaa toban goobood oo lagu guulaystay markaas ayaa ciidanku kor u kacaa, laakiin ka doonaya inuu had iyo goor ciidanku jabona ama aanu ciidanka dagaal gelina waxa uu yidhaadaa walaahay waa goobtii lagu jabay, labadaa goobood-ba way jiraan, laakiin UDUB haddii aanu nahay goobtii lagu jabay sheegi mayno ee waxaanu sheegaynaa goobtii lagu guulaystay oo waxaanu leenahay waar saw inagiin nabadii hagaajinay, waar saw inagii distoorkii samaynay, waar saw inagii Axsaabtii dhisnay, waar saw inagii markii uu Madaxweynihii hore geeriyooday markiiba Madaxweynaha dhisnay, ka kalena waxa uu leeyahay waar dhulkii qoryo ayaa yaal, waar miyaa diiwaan-gelin la sameeyey, waar maamulkii dalka ku fiday, labadaas ayuun baa weligeed-ba jira siyaasadda la kala raacayaana waa labadaas uun,  waa dhab doorashada gelisteeda gidaar weyn baa inaga xiga, dab inuu yaal waa dhab, wax kasta oo adagi way yaaliin, laakiin laba adag kala dooro ayaa la yidhi ee lama odhan laba jilicsan kala dooro oo haddii lagu yidhaahdo laba macaan kala dooro labada waa la iska liqi lahaa, markaa waa laba darran kala dooro, sidaa darteed waa inaynu doorashada jiidh-naa” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Cabdi Aw-Daahir.

Waxaana markaa ka dib hadalka la wareegay Madaxweyne-kuxigeenka (Gudoomiye-xigeenka UDUB), Axmed Yuusuf Yaasiin, laakiin mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah nin aan weli balaaqadda siyaasadda ku doob dilaacsan hadalkiisu wuu koobnaa, wuxuuna yidhi“ Tog-dheer waxay hooyada UDUB u noqotay waa halkii aynu kula soo noqonay madax banaanida Somaliland, Booramena waa hooyadii labaad, Hargeysina 1997-kii waa halkii laga sii ambaqaaday ee distoorkeenna lagu sameeyey, golaha wakiiladana distoorka dhib weyn baa ka soo qabsatay, waa tii lagu kala jabay 41 mudane ayaa u codeeyey in la galo, intii kalena way diiday maalintaa nin walba wax baa is tusay, laakiin intii istustay inay dhaqaaqdo Somaliland maanta waa taa la hayo midhaheedii, mahadaana waxa leh nimankii ku jirey golayaasha ee u dhabar-adaygay, waana tii distoorka loo codeeyey 2001, waxayna ahayd arin muhim ah, taasina waxay keentay inaynu si fudud u kala wareejino waqti kala guur ah oo itijaah toosan lagu dhaqaaqo, markaa wixii aad maalintaa diidanayd ee aad lahayd yaan loo codaynin, yaan la dhaqaaqin sow kaa ina bad-baadiyey, maanta hadaba waxa laga guurayaa beelihii, waxaana is raacaya wixii isku mawqif iyo isku dariiq ah, distoorkeenuna wuxuu sheegayaa saddex xisbi, iminkana waa 9 urur, laakiin saddexda urur ee ugu derejo sareeya ayaa noqonaya Axsaabtii wadanka, doorashaduna waa talaabadii u dambaysay ee aynu ku gaadhaynay halkii aynu doonaynay” ayuu hadalkiisa ku soo af-jaray Madaxweyne-kuxigeenku, wuxuuna mudane Axmed Yuusuf Yaasiin cod-baahiyaha ku soo dhoweeyey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ahna gudoomiyaha ururka UDUB, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “ maanta halkan (shirka) waxaan ku jooga gudoomiyaha UDUB, laakiin marka aan Madaxweynaha ahay ururada oo dhan Madaxweyne ayaan u ahay”, wuxuuna intaa uga gud-bay oo uu yidhi “ ummadeenu waa umad wanaagsan oo Illaahay tawfiiq siiyey, waxaana illaahay uga rajaynayaa inuu halkaa uga sii wado”, laakiin Madaxweyne Rayaale waxa uu ka hadlay macnaha xisbiga, isaga oo qiray inaanay dadka intiisa badani garanayn xisbigu waxa uu yahay, una haysta inuu yahay meel loo soo shaqo tago, wuxuuna yidhi “marka laga hadlayno Axsaabta 69-kii ayaa xisbi inoogu dambaysay, anigu waxaan ka mid ahay dadkii xisbigii u dambeeyey soo gaadhay wixii iga yar yarina xisbiba may soo gaadhin, sidaa darteed dadkeenna inta xisbi fahmaysaa aad bay tiradoodu u yar tahay, xisbigiina maanta waxa loo arkaa inuu yahay meel loo shaqo tago ama lacag loo soo raadsado, laakiin xisbigu ma aha meel loo soo shaqo tago ee waa meel mabaadi’ lagu dhiso oo leh ujeedooyin fog oo ay ka mid tahay inuu ururkaasi u tartamayo hogaanka dalka, sidaa awgeed dadka ka tirsan ururka ayey waajib ku tahay inay dhisaan ururka oo ay qaadhaan siiyaan ururkooda oo ay ka bixiyaan kirada guryahay, oo ay ka bixiyaan kharashaadka ay hawlaha ku qabanayaan, bah-weyntiina UDUB waxaan idiin rajaynayaa inaad hawl-wadeenada hawsha idiin wada garab istaagaan oo aad dhismaha ururka gacan ka geysataan sidii ay ururadu ahaan jirtey”. 

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu ka hadlay ujeedooyinka ururka UDUB, wuxuuna yidhi “Ururkani waxa uu ku shaqayn doonaa himilooyinka fog ee ay ummadda Somaliland hiigsanayso in la gaadhsiiyo, sida inuu gaadhsiiyo dal nabad ah oo caalamka ka mid ah, dimoqraadiyad ku noolaada, dadka kala dagaalama is nacaybka iyo qabyaaladda ayuu ururkani wax ku hogaamin doonaa, mana noqon doono ururka UDUB mid doorashada ku dhamaada ee waa mid jiri doona oo ay barnaamijyadoodu socon doonaan oo sida caalamka ay uga jiraan ururo boqolaal sannadood jira oo kale inuu u jiro weeye himiladu ururku, laakiin himilooyinkaa waxa lagu gaadhayaa inaynu dhamaanteen hareeraha qabano, rag badan baa yidhaahda golaha dhexe, golaha dhexe ina wada qaadi maayo”.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka hadlay doorashada “ koleyba sida sharcigu sheegayo waqti buu bilaabmayaa, laakiin waxa ururka waajib ku ah inaanu sugin waqtiga makarafoonada laga hadlayno ee waa inuu iminka bilaabo ololaha doorashada degaanada, waxaana xisbiga u soo jeedinayaa inay magaalo kasta ururka laga soo sharaxo dadka qiimaha leh oo ay noqdaan dad ummadda wax ku biirin karaya kalsoonina ka haysta, waayo xisbi ahaan waxaynu ku tartamaynaa tayo ee ku tartami mayno qabyaalad oo Somaliland ninka Ceelaayo jooga iyo ninka Law-yacado jooga waxay uun ka wada mid yihiin xisbiga UDUB, waxaana idiin rajaynayaa inaad noqotaan rag socda oo meel kastaba gaadha oo dadka baraarujiya oo ujeedooyinka xisbiga fahamsiiya, waayo waxa maanta ugu darrani waxa weeye dadkii wacyi gelin la’aan baa haysa, arinta doorshaooyinka walaahow badan baa jira, laakiin ta aftida distoorka markii aynu qaadaynayba walaahow badan baa jirey, balse ummadda Somaliland waxay waayo-arag ku tahay maalin kasta waxa ugu adag inay u diyaar garowdo si geesinimo ahna ay uga gudubto, waxaana rajaynayaa inaynu doorashooyinkaana si wanaagsan uga gudub-no, rag badan baa aniga ii soo jeediyey oo uu igu yidhi waar bahasha ma la kordhiyaa, laakiin waxaan ku idhi maya, waayo baan idhi anigu nin dhalin yaro ah baan ahay inaan meesha iska fadhiyo oo la ii kordhiyo waxaan ka jeclahay ma jirto, laakiin Somaliland kuma iibsamayso taa ee waxay ku iibsamaysaa doorasho, taas ayaanan kaga qayb gelayaa, insha’allaahu aniga (Daahir) iyo gudoomiye-ku-xigeenka (Axmed Yuusuf) waanu isu soo sharaxi doonaa doorashada, waxaanuna ku kalsoonahay xisbigayaguna inuu naga aqbali doono, ummaduna waxay inaga rabtaa inaynu horumar gaadhsiino, inaynu ictiraaf gaadhsiino, inay ummaddani noqoto ummad jacayl ku wada nool, markaa dhammaan dadweynaha beesha UDUB haddii aad tihiin waxaan idiin soo jeedinayaa inaad xisbigiina dhisataan, cidina uma maqna , ceel-na uma qodna” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Inkasta oo uu gudoomiyaha UDUB, Daahir Rayaale Kaahin sheegay inay, isaga iyo ku-xigeenkiisuba u taagan yihiin tartanka doorashada madaxtinimada, haddana xeerka ururkaasi leeyahay kuma qeexna sida loo soo xulayo ninka musharaxa jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka.

 “Ilaa 1960-Kii Dhaqankeena Iyo

Dhaqaalaheena Wuxuun-Baa Ka Sii Dhacayay…”

Abwaan Hadraawi

Burco (Haatuf): Cadadkii Haatuf ee Jimcihii, waxa aanu idiinku soo gudbinay warbixin uu Cabdirisaaq M. Dubad oo ka tirsan Haatuf ka diyaariyay Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo uu Burco kula kulmay dhawaan. Warbixinta qaybteedii hore, waxa ay ka warantay Abwaanka oo hadda ku talla-jira inuu joojiyo hal-abuurka iyo waayihiisa nololleed. Waan tan qaybtii labaad oo ku saabsan, sida uu Abwaanku u arko aayaha mushkiladda Soomaaliya.

Abwaan Hadraawi oo sida suugaantiisu u badan tahay ah, nin u ban-baxay halgan shacbi oo sama-doon ah. Isla markaana waa su’aal la isweydiin karo, halka uu Abwaanku kaga hadlay halgankaas, mar haddii uu ka fadhiistay hal-abuurka? Iyada oo  dadka qaarna ay ka cawdaan aragtidiisa fog oo ah, mid aan marna la jaanqaadin xaaladda Siyaasadeed ee ay ku sugan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Hadraawi oo ka jawaabayay bal sida uu u arko iyo waxa uu ka saadaalinayo mushkiladda dabadda dheeraatay ee haysata ummadda, guud ahaan Soomaaliya, waxa uu sheegay in xaaladdu ay ahayd mid marba marka ka dambaysa ka sii daraysay, haatanna ay gaadhay figtii ugu dambaysay. Taas oo uu ku tilmaamay ciqaab rabaani ah oo ay dadku galabsadeen, welina ay ku sii socdaan.

“Kolley ilaa 1960-kii intaan ogahay, dhaqankeena iyo dhaqaalaheena wax ka dhaca mooyaane waxba uma kordhin,” ayuu yidhi Abwaanku.

“Maanta labadiiba waxa la isugu baxay soobir mucsir ah oo xaggii dhaqankii iyo xagii dhaqaalihiiba ah. Waa ciqaab Illaahay,” ayuu raaciyay. Isaga oo Haddaba, xalka mushkiladda iyo mustaqbalka halka ay ku dambaynayso saadaal mala-awaal ah ku samaynaya, waxa uu ka eegay dhinaca Diinta iyo Natiijada ciqaabta noocaas ah, isaga oo hal-beeg uga dhigaya quruumihii ka horeeyay ummadda Nebi Maxamed (c.s.w). Waxa uu ka waramay, sida Aadamuhu ugu fasahaado nolosha, marka ay ka leexdaan jidka Illaahay u dhigay. Waxa uu sheegay in wax waliba ay leeyihiin “Unug” oo ah, bar-bilow iyo “Abyid” oo ah, bar-dhammaad ama halka ugu saraysa, waxana uu taas ku macneeyay in horumarka bani-aadamka ee dhinacyada dhaqaalaha, tiknoolajiyada, aqoonta, iwm, uu yahay mid leh bar-bilow iyo bar-dhammaad, isla markaana marka uu horumarkaasi gaadho figta u sarraysa, dadkuna ay isa siiyaan aduunyada oo ay ku hodmaan, in ay khasab noqonayso markaa in ay dib u soo noqdaan, ilaa ay soo gaadhaan unugii ay ka bilaabeen. Waxa dhici jiray ayuu yidhi quruumihii hore in marka ay bartaa bilowga ah ku soo noqdaan, la rogi jiray inta Illaahay badbaadiyo mooyaane inta kale. Dabadeedna yagleel cusub, halkaa laga unki jiray iyo risaaladda oo dib loogu soo cusboonaysiiyo.

Hadraawi waxa uu xaaladda Soomalida ku maseeyay in ay marayso halkii quruumihii hore laga rogi jiray, ama ciqaabtu ka dhammaan jirtay ee naxariista Eebbe loogu beddeli jiray. Laakiin, waxa uu sheegay in maadaama aynu ognahay in ummad inaga dambaysaa aanay jirayn, dunidana aan la rogeyn ilaa Islaamku guulaysto, waxa keliya ee uu rajaynayaa ay tahay in ummaddan uu ka dhammaado ciqaabku oo ay helaan naxariista Alle. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay, in marka la eego quruumihii hore isbeddeladaas nolosha ee geediga horumarka iyo ciqaabka Alle labada goorba ay aallaaba qaataan 40 sannadood, ilaa nus qarni (50 sannadood).

“Markaa taynu filaynaa iminkana waxa weeye in dadka intaa maalinba maalinta ka dambaysa ciqaab baa ku sii kordhaysay. Waxaas oo dhammi waxay ugu dhacayaan, waxay hayaan jid khaldan. Welina waa lagu sii socdaa jidkii khaladka ahaa,” ayuu yidhi, waxana uu raaciyay; “Maalin walba ciqaab cusub oo digniin u socota oo tii hore sii fuulaysa iyo culayskii hore, intaas oo dhammi waxay u socotaa bal in qofku is-dareemo oo is yidhaahdo tolow xaggee lagaa dilayaa.”

Waxa uu sheegay in markasta ay tahay in xagga Illaahay wax wanaagsan laga filo, lana ogaado in naxariista iyo raxmadda Illaahay inaga inagu xidhan tahay.

“Anigu kolley intaa aan ka sheekaynayo – lixdankaa sannadood ee dambe-ba waan joogay, waxaa ina soo maray xannuun fara-badan,” ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

“Haddana, waxba tiirarkii waaweynaa ee Islaam-nimada yaynaa hayne intaa haddana weli sidii baynu Islaamnimada dabadda u sii haysanaa. Iyaba waa qodoboo, waa xubinoo Illaahay waxaan ka baryayaa inuu taa inoogu naxariisto.”

Waxa kale oo uu Illaahay uga baryay ummadda inuu ku weeciyo jidka toosan, taasna ay ku gaadhaan badhaadhaha iyo barwaaqada.

Hadraawi dhinaca kalena, waxa uu lagama maarmaan ka dhigay, halgan Diini ah oo dadyowga Islaamka ahi dhexdooda ay ugu kala bixi doonnaan Muslim khaalis ah iyo gaalo. Dagaalada ka socda Afgaanistaan, Jejniya iyo meelo kale oo dunida Muslimka ah, ayuu ku tilmaamay kuwo salka ku haya, bilowna u ah halganka uu saadaaliyay in Muslimiinta laftoodu ay ku kala safan doonnaan.

Abwaan Hadraawi oo aan wax ka weydiiyay colaadaha iyo qallaanqalka dabadda dheeraaday ee weli ka sii socda (Koonfur)Soomaaliya, waxa uu ugu duceeyay dadkaas in Illaahay dhibaatada ka kor qaado, waxana uu ugu baaqay in ay ka waantoobaan khaladka ay ku galabsadeen dhibaatada. Abwaanku waxa uu u arkaa in Mushkiladdu ay tahay, mid sii socota ilaa inta uu socdo gefkii ama khaladkii sababay dhibaatadaas.

Urur-Siyaasadeedka ASAD Oo Shirweyne Uga Furmay Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Shirweynaha Koowaad ee Isbahaysiga Siyaasadeed ee ASAD (Alliance for Salvation and Democracy), ayaa shalay si rasmi ha uga furmay qolka shirarka xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa.

Shirweynaha ASAD oo muddo saddex maalmood ah soconaya, waxaa ka qayb-galay ilaa 300 oo ergay oo ka kala socda gobolada Awdal, Hargeysa (W. Galbeed), Saaxil iyo Togdheer. Iyada oo ergada gobolada Sool iyo Sanaag-na la filayo in ay soo gaadhaan Hargeysa maanta.

Kulankii furitaanka, waxay egada iska dhexdoorteen shirgudoon laba xubnood ka kooban, xoghaynta shirka iyo guddi 11 xubnood ah oo soo xulaya guddida Golaha dhexe ee ururka ASAD. Labada xubnood ee loo doortay shirgudoonka shirwaynaha, waxay kala yihiin; Muj; C/raxmaan Aw Cali Faarax, Guddoomiye iyo Siciid Maxamuud Nuur, Ku-xigeen.

Guddoomiyaha qaban-qaabada shirwaynaha Muj; Cismaan Aadan Dool (Quulle) oo hadal kooban ka jeediyay furitaankii shirka, ayaa sheegay hawsha baaxadda leh ee shirweynaha sugaysa iyo muddada ay haystaan oo ah mid aad u yar. Hawlaha uu tilmaamay ee shirweynaha horyaalna, waxaa ka mid ah; Ansixinta barnaamijka siyaasiga ah ee ururka iyo dastuurka ururku yeelanayo, xulista xubnaha guddida dhexe iyo weliba doorashada Gudoomiyaha iyo laba guddoomiye ku-xigeen.

Masuuliyiinta hore u hayay xilka ururka ASAD, Saleebaan Gaal iyo C/raxmaan Aw Cali, ayaa iyana warbixin shirwaynaha ka siiyay waxyaabihii u qabsoomay iyo marxaladihii isbahaysigu soo maray muddadii ay xilka hayeen.

Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo kulankaa ka hadlay, ayaa sharaxaad ka bixiyay taariikhda iyo ujeedooyinka loo aasaasay ururka ASAD. Saleebaan-gaal waxa kale oo uu ka hadlay, qaybo kale oo ay ka mid yihiin; mowqifka ay isbahaysi ahaan ka qabaan doorashooyinka dalka ka dhaca, qadiyadda madaxbannaanida Somaliland. Waxa kale oo Saleebaan-gaal tilmaamo ka bixiyay, taageerada ururkii haysto iyo qaybaha uu ASAD ka kooban yahay: “Ururka ASAD, wuxuu ka kooban yahay shan urur-siyaasadeed oo kala ah; ururka dib-u-habaynta SNM, ururka UGBAAD oo kulmiya Shacbiga gobolada Awdal, Sool, Saaxil, Sanaag iyo weliba qaybo Hargeysa ka mid ah; ururka ALLA AAMIN oo beesha gabooye leedahay; DADKA oo Awdal ah iyo USIN.”

Saleebaan-Gaal, wuxuu intaa ku daray in ururka ASAD ay ku jiraan xubno badan oo ka tirsan Baarlamaanka (Wakiiladda iyo Guurtida) Somaliland.

“Dhammaan ururada iyo xildhibaanadaas iyo dadyowga ka dambeeyaa waxay aaminsan yihiin qadiyadda madaxbannaanida Somaliland, waxayna garwaaqsan yihiin in Shacbiga reer Somaliland u siman yihiin horumarka, xuquuqda iyo cadaalad wax ku qaybsiga,” ayuu yidhi Saleebaan-gaal.

Saleebaan-gaal, waxa uu si gaar ah uga hadlay kaalinta ururka Dib-u-habaynta SNM ka qaatay xoriyadda, nabadgelyada iyo horumarka Somaliland gaadhay, sidaa darteedna buu yidhi ay mudan tahay in la tilmaamo doorkeeda. Saleebaan-gaal isaga oo ka hadlaya kaalinta ururka dib-u-habaynta SNM oo uu sheegay in la aasaasay 1998, wuxuu yidhi; “Ururka Dib-u-habaynta SNM, maadaama uu muddo dheer keli ku ahaa saaxadda mucaarid siyaasadeed oo uu mar walba ka digayay, kuna dhawaaqayay wixii maamul-xumo iyo talo-qaloocsan ah ee dalka ka dhaca. Maadaama ururkii SNM, guud ahaanba ahaa kii xaqiijiyay halgankii ku dagaalanka ee dhidibada loogu taagay xornimada iyo madaxbannaanideeda, isla markaana isu soo ururiyay oo midayn iyo walaalayn ka dhex dhaliyay dhammaanba beelaha reer Somaliland

SNM, waa ururkii keenay in la laabo dhibaatadii uu beelaha walaalkan ah kala dhexdhigay keli-taliyihii Siyaad Barre oo bog cad laga bilaabo.” Isaga oo ka hadlaya ujeedada loo abuuray isbahaysiga ASAD, wuxuu sheegay in ay bud-dhig u tahay sidii loo samayn lahaa urur ay ku midaysan yihiin dhammaan beelaha Somaliland degga, isla markaana looga fogaan lahaa urur ku abtirsada qabiil ama gobol keliya.

“Haddii aanan is-faaninayn waxan qabaa in ururka ASAD yahay ka qudha ee dalka oo dhan ku baahsan, uguna taageero badan,” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah ee ASAD oo ka hadlay fikrada uu ka aaminsan yahay ku tartanka doorashooyinka dalka iyo mawqifkii hore ee qabashada shirwayne qaran, ayaa sheegay in aan ururka marna baqdin ka qabin doorasho, balse ay hore u rumaysnaayeen in aanay doorasho suurto-gal ahayn, taas oo buu yidhi u dhacday sidii aanu u sheegay, iyada oo muddo sannad ah xilkii loo kordhiyay Xukuumadda maanta talada haysa.

“Toddoba bilood baanu lahayn dadweynow doorasho dhici mayso ee waa la korodhsanayaa, tiina way dhacday, maantana waxaanu leenahay Illaahay kordhin dambe naguma keeno. Waxaanu leenahay hoggaanka maanta jira, waxaanu ka sugaynaa isbedel,” ayuu yidhi.

Guddoomiye Ku-xigeenka ASAD, Muj. C/raxmaan Aw Cali Faarax oo ka hadlay doorashada la filayo in ay dhawaan dalka dhacdo, ayaa sheegay in ururka ASAD marna aanu ka baqdin-qabin in lagaga adkaado miidaanka doorashooyinka, balse ay ka werwer qabaan in doorashada oo xumaataa ay halis ku keeni karto deggenaanshaha iyo xasiloonida Somaliland. Waxaa kale oo Muj. C/raxmaan sheegay in ay iyagu (ASAD) uga lexjeclo badan yihiin cidkasta. C/raxmaan Aw Cali, wuxuu ka digay halista ay yeelan karto wax is-dhaaf-dhaafin doorasho dalka ka dhacda.

“Doorashadu waxay u baahan tahay cadaalad, iyo in aan boob iyo musuq midna aan lagu deyin. Taliskii Siyaad Barre, wuxuu ku yimi doorasho-xumo dalka ka dhacday sannadkii 1969-kii.”

Muj. C/raxmaan, wuxuu tilmaamay in aan shacbigu aqoon u lahayn hannaanka doorashooyinka iyo Axsaabta oo ah mid dalka ku cusub o ola tijaabinayo, taas oo haddii ay xumaato dib-u-dhac ku noqon karta qarannimada Somaliland; “Xukuumadda waxaan kula talin lahaa in aanay dib ku cayaarin, waayo waxa garanayso ayaa la samaystaa intaanad isku qaadin hawl aanad garanayn,” ayuu ku daray.

Geba-gebadii shirweynaha ee shalay, waxaa lagu doortay 11-xubnood oo loo xilsaaray in ay soo xullaan xubnaha Golaha dhexe ee ururka ASAD, waxayna xubnahaasi kala yihiin:

1.       C/laahi Suldaan Xasan Bulbul, Guddoomiye

2.       C/laahi Ismaaciil Bidhaan

3.       Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)

4.       Xuseen Aw Caydiid

5.       Cali Siciid (Cali-geenyo)

6.       Axmed Xasan Waysa-cadde

7.       Axmed Aadan Bille

8.       Maxamuud Cabdi Caraale

9.       Yuusuf Maal Caynaan

10.    Axmed Jigraale iyo

11.    Sabaax Axmed Cige.

Xaruntii Shirkadda Aerolite Ee

 Boorama Oo Albaabada Loo Xidhay

Boorame (Haatuf): xaruntii shirkadda isgaadhsiinta AEROLITE ee magaalada Boorame ayaa khamiistii doraad tii ka horaysay ee 15-kii Ogost 2002 al-baabada loo xidhay, ka dib markii la sheegay inuu khilaaf xoog lihi ka dhex-oogmay saamileyda shirkadaa.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar cutubyo ka tirsan ciidamada nabad-gelyada Boorame ayaa caweysinkii habeemimadii khamiista abaara 10:00 isku xeeray Xarunta AEROLITE, kuwaas oo al-baabada xafiisyadii shirkadda, isla markaana markiiba bakhtiiyey mishiinadii laydhka ee shirkadda.

Saraakiil ka tirsan ciidanka nabad-gelyada ayaa weriyaha Haatuf ee Boorame u sheegay inuu amarka xidhitaanka Xarunta shirkadaasi ka soo baxay xafiiska badhasaabka Awdal, laakiin badhasaabka laftiisa ayaa isna laga soo xigtay inuu amarku kaga yimi xagga sare, taas oo ay maamulka Boorame sheegeen inay ilaalada ciidanka nabad-gelyadu Xarunta AEROLITE ku sugnaan doonaan ilaa inta xal loo helayo mushkiladda soo food saartay shirkadda isgaadhsiinta AEROLITE.

Xadhiga shirkadda AEROLITE waxay saamayn weyn ku yeelatay dadka ku dhaqan magaalada Boorame, kuwaas oo 24-ka saac isticmaali jirey isgaadhsiinta telefoonada shirkadaa iyo weliba mishiinada laydhka ee shirkaddaa, taas oo ay magaaladii hadda ku sugan tahay isgaadhsiin xumo iyo laydh la’aan, waxaana madow goobo badan oo ay shirkadda AEROLITE siraadi jirtey, waxaana meelahaa ka mid ah masaajidada iyo shaaricyada, laakiin sida uu sheegay weriyaha Haatuf shirkadda Telesom oo halkaa xarun ku leh ayaa hadda isku deyeysa inay buuxiso kaalintii ay AEROLITE banaysay.

Khilaafka ka dhex-aloosmay saamileyda shirkadda AEROLITE ayaa dhawrkii toddobaad ee ina dhaafay si weyn looga dareemay magaalooyinka Boorame iyo Hargeysa, waxaana arinta gacanta la soo galay xukuumadda, isla markaana waxay wararka arintaa la xidhiidhaan tibaaxeen in khilaafka ka dhex-oogan saamileyda AEROLITE loo saaray guddi  ka odayeysa ismaan-dhaafka ka dhex taagan saamileyda shirkadaa. Hase yeeshee ilaa hadda  xal lagama gaadhin mushkiladda AEROLITE, iyadoo la sheegay inuu khilaafka ugu ba’an ee shirkadda AEROLITE ka dhex-oogan yahay xubno qoys iyo qaraabo dhow ah.

Usama Binu Laden Iyo Cumar Mullah

Xaggee La Aaminsan Yahay In Ay Ku Noolyihiin

Kaabul (RUETERS): Wasiirka arimaha debedda ee Af-ganistan Abdullah ayaa shalay u sheegay wakaaladda wararka ee Rueters inay hogaamiyayaasha Al-qaacida iyo Daalibaan, Usama Bin Laden iyo Mullah Maxamed Cumar ay bad-baadeen weeraradii garaacista ahaa ee Maraykanka,isla markaana ay ku nool yihiin gobolka ay ku taal Afganistan ee Qaaradda Aasiya.

Mr. Abdullah waxa kale oo uu sheegay in labadaa nin la waayey markii Nofembartii hore ciidamada Afganistan ee ay taageerayaan ciidamada Maraykanku la wareegeen inta badan talada dalka Afganistan, laakiin waxa uu sheegay wasiirka arimaha debedda maamulka Afganistan inuu rumaysan yahay inaanay Usama Bin Laden iyo Cumar Mullah ku noolayn dhulka Afganistan, balse ay ku nool yihiin wadamada kale ee la jaarka aha Afganistan, wuxuuna wasiirkaasi intaa ku daray in magan-gelyada ay Al-qaacida markii hore ku yimaadeen Afganistan uu siiyey maamulkii Daalibaan, laakiin wuxuu sheegay inay xukuumadiisu ku dedaalayso sidii ay ula tacaali lahayd inaanay Al-qaacida dib dambe isku urursan dalka Afganistan. “ Si Afganistan looga saaro ciidamada Asal-raaca waxa loo baahan yahay inay ciidamada Maraykanku sii joogaan Afganistan” ayuu yidhi wasiirka arimaha debedda maamulka Afganistan.

Wasiirka arimaha debedda Afganistan waxa uu ka qayb geli doonaa sannad-guurada koowaad ee weeraradii qaraxyada ee 11-kii Sabtembar 2001 ka dhacay magaalooyinka Newyork iyo Washington, wuxuuna wasiirkani sii raaci doonaa Madaxweynihiisa, Xamiid Karzai, iyadoo uu xuskaasi ka dhici doono magaalada Newyork, halkaas oo lagu qaban doono isu soo bax lagu xusayo dad ay tiradoodu gaadhayso ilaa 2800 qof oo ku geeriyooday weeraradii qaraxyada ahaa ee lagu qaaday daartii ganacsiga adduunka ee Newyork iyo Xarunta gaashaan-dhigga Maraykanka ee magaalada Washington.

Madaxweyne Bush: Difaaca

Weerarkiisa Ciraaq Iyo Doodaha Horyaal

Texas (Rueters): Madaxweynaha Maraykanka G.W. Bush ayaa Jimcihii doraad difaacay siyaasadiisa uu culayska ku saarayo Ciraaq, siyaasadaas oo uu ku hogaaminayo xisbigiisa Jamhuuriga, wuxuuna sheegay Madaxweyne Bush in ra’yiga uu ka haysto Madaxweynaha Ciraaq, Sadaam Xuseen uu yahay mid ku salaysan war-bixinihii ay ka keeneen Sirdoonka Maraykanku.

“Waxa loo baahan yahay inaanu qofna shaki ka gelin inuu Sadaam Xuseen dunida ku sii fidinayo dabkii uu ku gubay dalkiisa” ayuu yidhi Madaxweyne Bush, wuxuuna intaa ku daray “ Dabkaas oo uu xasarad iyo qul-qulad ku gaadhsiiyey jaarkiisa, wuxuuna u heellan yahay inuu helo hubka sida ba’an wax gumaada”.  Madaxweyne Bush waxa uu ku sababeeyey weerarka uu la damcsan yahay dalka Ciraaq Sadaam Xuseen oo uu yidhi waxa uu doonayaa inuu samaysto hubka Nuclear-ka, ka bay-olojiga ah iyo ka kiimikalka ah.

Tobanaankii sannadood ee uu Sadaam Xuseen xukumayey dalka Ciraaq waxa hubka kiimikalka ah ku isticmaalayey dagaal yahanada Kurdiyiinta ee ka dagaalama gobolka buuraleyda ee waqooyiga Ciraaq.

Mr. Brent Scowecrot oo hore u ahaa la taliyaha Madaxweynaha Maraykanka, isla markaana furihii maamulkii Bush ee agaasimay dagaalkii ay xulafada Maraykanku hore ugu qaadeen Ciraaq ayaa khamiistii ina dhaaftay u sheegay jariiradda la yidhaahdo Wall-Street ee ka soo baxda dalka Maraykanka in weerar waqtigan xaadirka ah lagu qaado dalka Ciraaq aan lagu guulaysan doonin, waxaana loo baahan yahay ayuu yidhi in horta la soo dhamaystiro dagaalka balaadhan ee uu Maraykanku kula jiro argagixisada dunida, laakiin Mr. Brent waxa uu intaa ku daray in haddii aanu Maraykanku kas-ban ama samaysan xulafo ku raacsan ama ku taageersan weerarka Ciraaq oo uu goosto inuu keligii weeraro Ciraaq, inuu dagaalkaasi noqon mid Maraykanka ugu kaca kharash fara badan iyo weliba hawl-gal adag oo uu kala kulmi doono.

Mudane Dick Armey oo hogaaminaya aqlabiyadda aqalka wakiilada Maraykanka ayaa isna ka hadlay weerarka uu Maraykanku la maagan yahay Ciraaq, wuxuuna yidhi “ Maraykanka ma aha hawl u taal inuu weeraro wadanka batroolka soo saara (Ciraaq) haddii aanu helin sabab lagu qanco oo kelifi karta weerar”.

Ciraaq dadkeedu waxa isugu jiraa dad aan tiro badnayn oo ah dadka uu ka soo jeedo Sadaam Xuseen, dadka tirada badan oo ah dadka shiicada ah iyo dadka kale ee laga tirada badan yahay ee kurdiyiinta u dagaalanta inay helaan madax banaani u gaar ah.

Ciraaq Iyo Ruushka Oo

Ku Heshiiyay Iskaashi Dhaqaale

 

Washington (Reuters): Dawladda Ruushka iyo dalka Ciraaq, ayaa qorshaynaya in ay wada-saxeexdaan heshiis iskaashi-dhaqaale oo gaadhaya $ 40-Milyan, iyadoo xilligan ay sii kordhayso cadaadiska uu Maraykanku damacsan yahay inuu xukunka kaga tuuro Madaxweynaha Ciraaq Sadam Xuseen.

Xog-warrankan waxaa qortay maalintii Sabtidii (Shalay) Jariidadda Washington Post Newspaper. Jariidadaasi, waxay qoraalkeeda ku xustay Saraakiisha labada dal ee Ciraaq iyo Iraan oo sheegay in ay dejinayaan qorshe iskaashi 5 sannadood ah oo ay labadooda dalka iska kaashanayaan dhinacyada tamarta korontada, soo saarka waxyaabaha kiimikalka ah, waraabka beeraha, dhismaha xadiidka tarreenada iyo gaadiid.

Cabaas Khaliif oo ah Safiirka u fadhiya Ciraaq dalka Ruushka, gaar ahaan Caasimadda Moscow, ayaa u sheegay Jariidadda warkan qortay oo yidhi; “Ruushku hore ayuu u ahaa, haddana wuu yahay wadanada aanu iskaashiga aadka u xooggan wada leenahay ama wadanka ugu weyn.” Isagoo Mr. Cabaas, hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi; “Waxa aanu uga baahanahay dawladda Moscow, waa taageero dhinaca niyadda ah, Siyaasadda iyo arrimaha dibloomaasiyadeed, sababtoo ah Ciraaq hore ayay u muujisay in ay is-difaaci karto, go’aanka burburinta ah ee Maraykanku ka qaatay Ciraaq, dawladda Moscow diidmo ayay ka muujisay.”

Dhinaca kale, waxay qortay Jariidadda Washington Post in marka laga tago xidhiidh ka dhaxeeya Ciraaq iyo Ruushka, in bishii hore ay labada Madaxweyne ee Bush iyo Putin ee kala Xukuma Maraykanka iyo Ruushka ay wada-jir u sii daayeen heshiis ah in ay wada-ilaaliyaan Hubka Nuclearka ah, laakiin Ruushku wuxuu toddobaadkan ku martiqaaday dalkiisa Madaxweynaha Waqooyiga Korea Kim Jong II oo ka mid ah dalalka saddexda ah ee uu Madaxweyne Bush ku tilmaamay shar-wadayaasha Oley Buclemeshev o oha ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha Ruushka.

Mr. Mikhail Kasyanov, ayaa u sheegay Jariidadda Washington Post in heshiiska iskaashi ee 5-sanno ah ee Ciraaq iyo Ruushku uu diyaar yahay, si loo saxeexo, waxaanu yidhi Mr. Oleg; “Dhammaan Wasiiraddu way ogolaadeen nuqulka heshiiska, si degdegga in loo saxeexo ayaanay u dhowdahay heshiiska dalkayaga iyo Ciraaq ee iskaashiga dhaqaale.”

“Somaliland Ma Buuxisay Shuruudihii Aqoonsiga”

Cali X. Cabdi Ducaale (Cali-Xuunsho)

 

The first paragraph of the declaration of the independence of the USA on 4th July 1776 States.

“When in the course of human events, it becomes necessary for one people to dissolve the political bands which have connected them with another, and to assume among the powers of the earth, the separate and equal station to which the laws of nature and of natures God entitle them, a decent respect to the opinion of mankind requires that they should declare the causes which impel them to the separation.”

“Bilowga ugu horreeya ee baaqa gobonimada Maraykanka ee July 4, 1776, waxa uu sheegayaa; marka waayaha iyo dhacdooyinka taariikheed ee soo mara umadaha, ay lama huraan kaga dhigto in ummadi go’aansato inay goyso xidhiidhkay la lahayd ummad kale, si ay uga dhex hanato maqaamka u gaarka ah iyo mansabka la siman lana faca ah ummudaha iyo quwadaha adduunka ku dhaqan, taas oo shuruucda dabeecada iyo shuruucda Eebeheen u qirayaan, waxay khalqiga adduunku mutaysteen kana filayaan iyada oo si sharaf leh loo ixtiraamayo aragtida iyo ra’yul caamka inay ummadaas ku waajibtay soo bandhigida caddaymaha ku kelliftay gooni-isu-taagooda.”

Nuxurka

Haddaba iyada oo aad moodaysid in weji cusubi u furmay siyaasadda dibedda ee Somaliland oo si xawli ah xukuumaddu ugu tafo-xaydatay ka midho-dhalinta in ictiraaf sida ugu deg-deg badan loogu guulaysto, ayaa waxa waajib ku ah muwaadin kasta, inuu ku taageero xukuumadda tallaabadaasi ammaanta mudan, qof kastana halkiisa ka gufeeyo shuruudaha iyo carqaladaha ina horyaal ee gudo iyo dibedba inagu xeeran, ka gudubkooduna sugayo inaga oo qudha. Sababtoo ah, adiga ayaa lagaa rabaa in aad gurigaaga hagaajisato, kadibna soo bandhigto wax cad oola taaban karo, laguna qanco oo aan cidina indhaha ka qarsan karin, iyada oo aad maanka iyo maskaxdaba ku haynayso in kuwii adduunka kuugu dhowaa oo Somali iyo muslimba ahi ugu horreeyaan kuwa hortaagan aqoonsiga Somaliland.

Sidaasi darteed, bal aynu maanta is xasuusino qodobo ka mid ah shuruudaha reer-galbeedku ku xidhaan waddanka ictiraaf u baahan.

In nidaamka xukun ee dalkaas iyo dadkiisa lagu dhaqo Yahay nidaam dimuqraadi dhab ah, saldhigna u Yahay hannaanka xisbiyada badan, qabanqaabada qabashada doorashooyin xor ah kana nadiif ah boob, ku shubasho, laaluush iyo khamkham.

In nidaamka dhaqaale ku salaysan Yahay suuqa xorta ah, dammaanad-qaadka, iyo soo dhoweynta maalgelinta shisheeye.

Aqoonsiga dhawrista iyo ku dhaqanka axdiyada Q.Midoobay, qawaaniinta dawliga ah, xurmo buuxda la siinayo lana dhaqangeliyo baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga Dec. 48, xurmaynta xuquuqda aas-aasiga ah ee qofka iyo bulshada oo idil.

In qaybaha bulsho (beelaha aqliyaadka ah iwm) ee laga tirada badan Yahay aan tacadi loo geysan nooc kasta ha ahaadee ama la dareensiinin.

In la dhawro lana dhaqangeliyo dhammaan heshiisyadii la dhaxlay, lalana galay dawladaha, hay’adaha caalamiga ah iyo shirkadaha shisheeye.

In waddanka aqoonsiga u baahan gudihiisa iyo dadkiisa ka dhex oognayn dagaalo sokeeye, colaado qabiil, qalalaase kooxeed oo hubaysan, fitno bulsho iyo fawdo dayday midnaba.

In xukuumadda dalkaas dhammaan geyigeeda, dhulkeda, badaheeda si dhab ah gacanta ugu jiraan maamulkeeda, sharcigeeda iyo qawaaniinteeduna ka hirgalaan.

In xukuumadad dalkaasi falalka iyo afkaarta argagixisonimo nooc kasta ha noqotee ka soo horjeeda lana tacaasho.

Dhawrista iyo aqonisga jirtaanka soohdimaha dalalka jaarka ah, ool aanay marnaba jirin colaado, dagaalo hubaysan, muran iyo ismaan-dhaaf siyaasadeed oo caqaabad ku noqda abuurista iyo koritaanka xidhiidhka iyo iskaashiga wejiyada badan, iyo xurmaynta jaarnimo.

Iyada oo weliba si toos ah loola jeedo Afrikada madow, waxa uu dhowaan shuruduahan ku darsaday Guddoomiyaha Bangiga adduunku (Mr. Jim Wolfensohn), in Afrika musuqmaasuqa, xatooyada, ku tagri-falka hantida ummadda laga cidhib-tiro (Africa must eradicate corruption) cid kastana lala xisaabtami karo (accountability and transparency).

Hay’adaha arkaanta ee Udub-dhexaadka u ah qarankuna ku dhisan yihiin sharciyada iyo qaanuunka oola xurmeeyo.

Gebogebo

Dawladu waa aalad wax lagu xalisho.

Dawlada ayaa awood dheeraad ah u leh wax ka qabashada dhibaatooyinka dadka dhexdiisa.

Horumar wuxuu yimaadaa marka dadka meel wada degani wanaaga isla gartaan.

Shifo Somaliland.

FAHAMKA CAAFIMAADKA

Cumar Daahir Cumar

Maxaa Dhaca Marka Ay Jidhka Dadka

Galaan Bakteeriyada, Fayruska Iyo Fangasku

Inta badan cudurada ku dhaca dadka waxaa keena saddex wax oo kala ah; Bacteria, Fayraska iyo Fungus-ka.

Saddexdan oo la isku yidhaa (Pathogens), marka ay jidhka dadka galaan waxay dilaan difaacii jidhka ee dabiiciga ahaa. Inta badan marka ay jidhka dadka galaan bacteriyada, fayraska iyo fungus-ku, waxay markaan shan heer oo kala duwan intooda badan, kuwaas oo kala ah;

Heerka koboca oo ka bilaabanta marka ay (bacteeriyada, fayraska iyo fungurs-ku) galaan jidhka. Heerkan waa ay ku tarmaan waanay ku fidaan jidhka qofka. Muddada heerkan waa ay ku kala duwan yihiin dadku, iyo cudurada oo iyaguna ku kala duwan muddada uu qaadanayo heerkani.

Heerka labaad ee ay dadku galaan marka ay jidhkooda galaan Pathegenis-ku, waa marka ay dadku dareemaan madax-xannuunka, xumadda iyo miisanka qofka oo luma.

Heerkan saddexaad, waa hujuumka buuxa ee uu  cudurku qaadayo jidhka dadka. Xiligani waa marka ay inta badan garan karaan dhakhaatiirtu nooca cudurka ee haya qofka oo ay daawo u qori karaan.

Heerka afraad, waa xiliga marka uu qofku doawo qaato oo uu xannuunkii ka jabayo. Laakiin Pathogonis-kii keenay xannuunku weli jidhka wuu ku jiraa. Waxaana loo baahan yahay inuu qofku is dawro oo uu ku dhaqmo talooyinkii dhakhtarka, waayo jidhka qofku weli wuu u nugul Yahay inuu ku so laba-kacleeyo xannuunkii oo ku soo xoogaysta.

Heerkan shanaad ee bukaanka ay jidhkiisa galeen saddexda cudur-side ee kala ah; bakteeriyada, fayraska iyo fungus-ku, waxay galaan bogsasho uu xannuunkii ka bogsaday. Laakiin weli cudur-sidayaashu waa ay ku jiraan jidhkiisa, waxaana dhacda in uu qofku noqon karo mid sii gudbin kara cudurkii galay jidhkiisa, inkasta oo uu isagu ka bogsaday.

DIFAACA JIDHKA EE CUDURADA

Jidhka dadku wuxuu leeyahaJidhka dadku wuxuu leeyahay qaab difaac-cudureed oo dabiici ah, oo uu isakga difaaco cudur-siyadayaasha iyo cudurka soo gala jidhkiisa. Si ay cudur-sidayaashu u soo galaan jidhka qofka waa inay soo maraan qaybta sare ee jidhka oo ah maqaarka ama oogada qofka iyo qaybta gudaha ee maqaarka qofka, iyaga oo ka soo gelaya meelaha jidhka ee u furan sida caadiga ah.

Ma fududa sida ay cudur-sidayaaashu ku soo dhaafi karaan maqaarka sare ee jidhka, waayo dhididka iyo saliida uu sii daayo maqaarka jidhka dadku waxay ka kooban yihiin kiimikooyin dili kara cudur-sidayaasha.

Kiimikada dili karta cudur-sidayaashu, waxaa kale oo ay ku jirtaa; candhuufta dadka, ilmaha indhaha iyo qoyaanka ay sameeyaan xubnaha taranka ee dadku.

Jidhka dadku waxaa kale oo uu leeyahay hab difaac oo loogu talogalay inay joojiso cudur-sidayaasha jidhka dadka ka soo galaya dibedda, sida timaha yar-yar ee ku yaala habdhiska neefsiga oo hore iyo dib u noqda oo loo yaqaan “Cilia”, timahaasi waxay ka shaqeeyaan sidii ay sanbabada qofka uga joojin lahaayeen cudur-sidayaasha (Pathogens) ee ku socda in ay galaan si ay cudur ugu dhaliyaan sambabada qofka.

Dilaac ama saris lagu sameeyo jidhka qofku, waa mid u fududaynaysa inay jeermisku galaan jidhka qofka si ay ugu dhaliyaan cudurada faafa.

DHIIGA IYO XUBNAHA JIDHKA GUDUHIISA SIDA AY ULA DAGAALAMAAN CUDUR-SIDAYAASHA

Dhiiga iyo xubnaha jidhka ayaa la dagaalama cudur-sidayaasha ay soo galaan jidhka gudihiisa, iyaga oo soo dhaafaya maqaarka sare e jidhka dadka.

Waxyaalaha kiimikada ah ee ku jira jidhka qofka ayaa ka hawlgala inay dilaan cudur-sidayaasha soo galay jidhka qofka.

Dhiigu waxaa kale oo uu leeyahay unugyada cad-cad ee dhiiga (WBC) oo si gaar ah u hareereeya, iyo noolaha kale ee cudur-sidayaasha ah ee soo gala jidhka oo ka dibna baabi’iya cudur-sidayaasha.

Unugyada cad-cad ee dhiigu waxay tagaan qaybta jidhka ee uu ka jiro cudur soo galay, si ay uga hawlgalaan difaaca uu jidhku iskaga difaacayo cudurkaas.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Maareeyaha Dekedda Berbera, Wuxuu

Igu Sameeyay Cadaalad-Darradii Ugu Xumayd

Anigoo ka mid ah bulshada ku nool magaalada Berbera ayaa waxa igu dhacday caddaalad-darro aanan ka filan inay ka jirto jamhuuriyadda Somaliland, markii shaqadii aan imtixaanka ku helay layga eryay oo qabyaalad la ii adeegsaday, waana sidasn siday wax u dhaceen;

Waxa dekedda Berbera la qoary shaqaale qaybta muruq-maalka ah oo ay kala qoreen labada nin ee la kala yidhaahdo Cali Xoor-xoor iyo Calwaan. Haddaba markii ay muddo shaqaynayeen ayay fadeexado soo baxeen sheegaya in Calwaan lacag ka qaatay oo aanay shaqada garanayn. Intaa kadib, ayaa maareeyuhu shaqada ka joojiyay intii Calwaan (Operation Manager) qoray shaqada, markaas ayaa intii maareeyuhu qorayna shaqada laga joojiyay. Markaa kabacdi, waxa la soo jeediyay in imtixaan laga qaado guud ahaan.

Imtixaankii waxa laga qaaday 13 qof oo aan ku jiro, waxaana loo baahnaa lix qof oo ah kuwa ugu maarkis sareeya.

Waxaan ka mid noqday lixdii qof ee ugu maarkis sarreeyay. Sidii baanu ku galnay, nasiib-daro markii aan bil iyo badh shaqeeyay ayaa la iga joojiyay shaqadii, waxaana la ii sheegay in maareeyuhu iga joojiyay shaqadii, isla markaana halkaygii la qoray nin uu maareeyuhu adeer u Yahay oo aan ku jirin kuwii imtixaanka galay.

Muddo badan ayaan daba socday oo aan arrintaa kala hadlayay, laakiin wuu iga dhego-adaygay markuu dantiisii fushaday. Sidaa daraadeed, hay’adda shaqaalaha iyo caddaaladda Somaliland waxaan ka codsanayaa in ay caddaalad-darradaa aniga iyo qayrkayba kaga timaada maareeyaha iyo mas’uuliyiinta qaranka in wax laga qabto, si aanay u imanin xasillooni-daro ka dhalata caddaalad-darada ay had iyo jeer sameeyaan mas’uuliyiinta shaadhka dawladda gashani.

Dhinaca kale, waxaan uga digaya maareeyaha dekedda inuu caddaysto isku dul-noolashada noocaas ah oo sababi karta in laysku dilo.

Yaasiin Cismaan Siciid (Ina-nirig), Berbera.

Madaxweyne Doorkanna

Diiraddu Waa Dekedda Berbera

Tan iyo waqtigii uu xilka la wareegay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ku dhaqaaqay tallaabooyin wax ku ool ah, isaga oo ka dhabeeyay ballan-qaadkiisii uu ku sheegay in uu wax kaga qabanayo garsoorka. Taas oo uu shaqadii kaga fadhiisiyay in ka badan 40 isugu jiray guddoomiyeyaal sare, guddoomiye gobol iyo garsoorayaal.

Waxa kale oo shaqadii laga eryay maayorkii Burco iyo guddidiisii fulinta. Waxa kale oo shaqadii laga fadhisiyay maayorkii Hargeysa Cawl, oo lagu eedeeyay ku tagri-fal awoodeed, iyada oo weliba la beddelay madaxii kastamka Berbera.

Haddaba Mudane madaxweyne, annaga oo aad iyo aad ugu diirsanay, kuguna hambalyaynayna Waxaanu kuu soo jeedinaynaa in tallaabada ugu soo horaysa ee isbeddeladaadu ay noqoto Maamulka siddeed jirsaday ee dekeda Berbera oo ah meelaha ugu daran ee lagu xalaashaday hantida qaranka, iyada oo aanay jirin wax horumar ah oo ay gaadhay ama heshay dekeddu muddadaa sideeda sano ka badan.

Marka runta loo noqdana waxaan odhan karaa waa caqabada hor taagan horumar ay gaadho dekedda Berbera .

C/haybe C/laahi, Berbera.

Amarku Ma Gelin Xafiisyada

Masuuliyiinta Ee Wuxuu Ku Egyahay Darbiyada

Waxaan maanta wax ka taabanayaa waxyaabo fara badan oo la yaab leh oo ka dhex muuqda D/Hoose ee Boorama dhexdeeda.

Maka aad gasho D/Hoose ee Boorama, waxaad ku arkaysaa ogaysiis lagu dhejiyay derbiyada oo lagu wargelinayo dadweynaha in ay D/Hoose joojisay dhammaan hawlihii dhulka sida sharciyeynta iyo kala wareejinta, iyada oo la fulinayo amarka madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka Arrimaha Gudaha ee lagu joojiyay dhulka. Balse amarkani ma gelin xafiisyada mas’uuliyiinta D/Hoose ee weli wuxuu ku eg Yahay derbiyada debedda xafiisyada, waayo weli ma jirto iska daa joojine maalin la hakiyay sharciyaynta iyo kala wareejinta dhulka ee sidii hore ayuu caadi ugu furan Yahay. Waxa kale oo jirta in dhul dan guud ahaa oo hore looga joojiyay inay dhistaan dadweynuhu la oggolaaday in la dhisto inta ka dambaysay amarka madaxweynaha iyo wasiirka, lana dhistay.

Waxaan wada ogsoonahay in dhibaatooyinka dhulku ay aad u badan yihiin, waana tan keentay in ay madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka Arrimaha Guduhu uga soo saarnaan amarkan lagu joojinayo dhulka ilaa amar dambe, si loogu helo xal kama-dambays ah. Hase yeeshee, waxa nasiib-darro ah in ay mas’uuliyiinta D/Hoose ee Boorama ay ku gacan-saydheen amarkaa madaxweynaha iyo wasiirka ee lagu joojiyay dhulka, ilaa maantana uu si caadi ah u furan Yahay.

D.A.Qaran

Madaxweyne Waa In Codsigayga Aqbashaa

Madaxweyne waxaan ahay hogaamiye beeleed aniga oo waalid u ah beesha Reer Aadan Gooni oo ka tirsan beelaha bariga burco, iyadoo qof walba lagu qaderiyo beel, islamarkaana lagu dhisan yahay nidaam beeleed, laakiin aniga mar kasta oo aan hadlo ama wax codsado la iima jawaabo, taasina waxay keeni kartaa cawaaqin xun, sidaa darteed Madaxweyne waxaan codsanayaa inaad wax ii qabato, aniga oo ah nin dhibaataysan, taas oo aan ku sug nahay xaalad caafimaad daro, isla markaana waxaan u baahanahay dhakhtar debedeed in la ii diro ama sidii kale ee wax la iigu qaban karo la iigu qabto.

Allaa mahad leh

Cumar Cabdilaahi Aadan ( Cumar-Asqo), Burco.

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Horyaalka Ingiriiska Oo Si Rasmi Ah Shalay U Bilaabmay

Manchester United waxay dirqi kaga badisay West Brom oo ciyaartoy ka maqan yahay

 

London (Reuters) – Horyaalka kooxaha Ingiriiska ayaa si rasmi ah uga furmay dalkaas, waxaana dhacay ilaa toddoba kulan.

Kulanka ugu xiisaha badanina wuxuu dhexmaray Manchester iyo West Brom.

Kooxda horyaalnimada raadinaysa ee Manchester United ayaa madax-wareer kala kulantay kulankii furitaanka oo ay dirqi kaga badisay kooxda martida ku ah ciyaaraha horyaalka ee West Brom.

Goolka uu waqtiga dambe dhaliyay Ole Gunner Solskjear oo beddal ku soo galay ayaa culays weyn ka furfuray. West Brom oo kulanka 10 qof ku ciyaaraysay markii qaybtiilabaad laga saaray Derek Mclnnes oo kaadhkii labaad la siiyay. Fursaddaa ka horna shayaadiinta cas-casi wax fursado ah ma helin.

Inkasta oo ay ka faa’iidaysatay jaaniskaa, haddana kooxda Gary Megson, waxay dhimbiil dab ah ku noqdeen kooxda isla-weynidu hoday, iyada oo taasi jirto su’aasha dad badani isweydiinayaan waxay tahay, maadaama West Brom ciyaartoy laga saaray maxay Man United u furi weyday albaabka tan iyo daqiiqaddi 78aad.

Kulankii bacda qadada ee horyaalka dalka, Ferguson wuxuu culayska saaray khadka dhexe, Nicky Butt ayaanu xaga hore ka safay, inkasta oo uu dedaal waxoogaa ah soo bandhigay, Juan Sebastian Veron shaqadiisu ma fiicnayn wuuna daalay, taas oo keentay in la beddelo ciyaartoyga reer Argentina. Bixintiisa kubadda iyo qaabkiisuba waxay u badnayd waqti lumis, mana awoodin inuu sida Butt u dhammaysto kulanka.

Ryan Giggs, iyo David Beckham, iyagu ismay beddelin, Keane oo uu ku lamaanaa Butt, ayaan qudhiisu wacdaro dhigin. Wuxuu ahaan jiray raga ugu faa’iidada badan ee kooxda isaga iyo Nistelrooy.

Keane wuxuu lumiyay kubad uu madaxa u saaray Beckham, kubbadaas oo uu dhaafin kari waayay goolhaye Bussull Hoult waxay ahayd fursaddiilabaad ee uu dayaco.

Gigs iyo Butt, labaduba waxay heleen fursado ay ku furi karayeen albaabka gool-dhalinta, halka ciyaartoyga West Brom ee Jason Robert uu wadna-qabad ku noqday difaaca Manchester, gaar ahaan qaybtii hore intii aanu talax gabin.

Ferguson ayaa ciyarta wax ka beddelay oo Veron dibedda dhigay, isaga oo Solskjear gudaha soo geliyay. Tabobaruhu wuxuu sidoo kale wax ka beddelay hannaanka ciyaarta oo uu ku celiyay 4-4-2.

Scholes oo u ku beddelay Phil Nevielle, ayaa kor u qaaday adkaysiga Manchester United.

Cadaadiska Scholes ayaa keenay in Solskjear fursad ka helo difaaca West Brom, wuxuuna xiddiga reer Norway kubadda dhaafiyay goolhayaha ay isku dhalashada yihiin.

Ciyaartoyga Mclnnes ayaa kaadhkii labaad qaatay, ciyaartana laga saaray daqiiqaddii 64aad. Kulanka waxaa garsoorayay S. Bennett.

Charlton 2-3 Chelsea

Charlton wxay u muuqatay in ay madaxa ku qaadanayso markii shanad oo xidhiidh ah kooxda dirayska buluuga ah, inkasta oo ay muddo saacad badhkeed ah ku ciyaarayeen 10 nin.

Paul Konchesky ayaa bilowgiiba goolka hoggaanka u dhaliyay, kahor intii aan ciyaarta dibedda laga dhigin Richad Rufus ayaa si deg-dega ugu labeeyay.

Gianfranco Zola ayaa kubad caqiibo leh u dhaliyay kahor intaanay qaybtii hore dhammaan. Sidoo kale, waxaa waqti dambe laba gool ku caawiyay Carlton Cole iyo Franc Lmapard, kuwaas oo Chelsea ku kaalmeeyay saddexdii dhibcood ee ciyaarta.

Lamaanaha reer Holland ee Hasselbaink iyo Zenden ayaa marar dhawr ah weeraro ku ekeeyay goolka kooxda ka soo horjeeday, balse goolal umay suurtogelin.

Zola oo si xidhiidh ah weerarka ugu waday Charlton ayaa dhawr fursadod abuuray. Sidoo kale, Emmanuel Petit, ayaa fursado badan ka horjoogsaday weerarka faraha lagaga gubtay ee kooxda.

Mathias Svensson, oo beddel ku soo galay ayaa ku sigtay inuu goolkii guusha u dhaliyo Charlton, iyada oo laba daqiiqadood ciyaarta ka hadhsan yihiin. Hase yeeshee, goolhaye Cudicini, oo Chelsea ah ayaa si xarrago leh kubaddaa u badbaadiyay.

Konchesky, waxaa kaadhka cas la siiyay daqiiqaddii 26aad ee bilowga ciyaarta.

Leeds 3-0 Manchester City

Leeds United ayaa si fudud ku dhaaftay Manchester City, taasina waxay fursad siisay Terry Venables oo horumar ku tallaabsaday kulankii koowaad ee kiooxdiisu yeelato.

Goolashana waxa u kala dhaliyay Nick Bramby, Mark Viduka iyo Robbie Keane, raggaas ayaa Leeds guusha u horseeday.

Guusahni waxay calaamad u tahay siday uga go’an tahay horyaalka inay ku dagaalanto. Halbawlaha difaaca ee Jonathon Woodgate, ayaa dhaawac uga fadhiyay, balse waxaa kaalintiisii daboolay Dominic Matteo oo is-faham weyni dhexmaray difaaca kale.

Halyayada Bramby, Lee Bowyer iyo Eirik Bakka, ayaa gacanta ku hayay Maamulka khadka dhexe ee ciyaarta, halka Harry Kewell ku mintiday difaaca baalka oo uu dedaal dheeraad ah ka muujiyay. Calaamadahaas ayaa sabab u ahaa Terry Venables inuu si fudud u garbiyo dagaalkii dhexmaray tabobarihii hore ee qaranka England Kevin Keegan oo helay fursado badan intii kulanku socday.

Necolas Anelka ayaa ku sigtay inuu barbareeyo qaybtii hore, markii uu helay fursad nin iyo nin ah oo uu kula soo baxay Paul Robinson. Hase yeeshee, kubadda oo uu iska fogeeyay masaafo door ah ayaa keentay in Matheo ka horqaato.

Everton 2-2 Spurs

Tomasz Radzinski ayaa keenay in goolhayaha cusub ee Richard Wright u muuqday wiilka guusha u sahlay kooxda Everton.

Ciyaaryahanka Lee Ferdinand ayaa keenay goolka Spurs kulanka ku hoggaamisay dhammaadkii ciyaarta oo uu beddel ku soo galay, kadib markii uu ka faa’iidaystay Everton oo culayska saartay kooxda, balse Radzinski ayaa khatar weryn ka samata-bixiyay Everton ciyaarta oolaba daqiiqadood ka dhiman yihiin.

Fulham 4-1 Bolton

Shan gool oo saddex rigoorayaal tahay iyo goolkii xilli-ciyaareedka ugu horreeyay ayay Fulham kaga guulaysatay kulanka ka dhacay Loffus Road.

Waxay ugu jawaabeen gool uu bilowgii ku quraaciyay Michael Rickett, mid uu dhaliyay Louis Saha, Steve Marlet iyo Sylvain Legwinski ayaa karbaash ku noqday Bolton in aanay hadda awoodin inay 5-0 ku badiso sidii kulankii kalhore oo Leicester 5-0 ku caraabisay.

Fulham oo ciyaarta inta badan gacanta ku haysay ayaa weerar hadhka kaga dhigtay Bolton.

Kulamada kale, waxaa ka mid ahaa Blackburn iyo Sunderland oo barbaro (0-0) ku kala baxay. Sidoo kale Saints iyo Middlesbrough ayaan iyana wax goolal ah kala dhalin kulankoodii shalay ku dhammaaday 0-0.