Haatuf, Cadadki 144, Aug.25, 2002

Mudane Baarlamaanka kanada ah Oo Dawladda Iyo Jaaliyadaha Somaliland Ku Tirtirsiyay Raadinta Aqoonsiga Dalkooda
 

Harg (Haatuf):- Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Kanada oo booqasho ku jooga Somaliland, ayaa ku tir-tirsiiyay dawladda Somaliland iyo jaaliyadaha dibedda, inay la yimaadaan dedaal dhiif iyo dhiirranaan leh oo ay beesha caalamka kaga kasbadaan aqoonsiga diblomaasiyadeed oo uu sheegay in ay Somaliland u qalanto.

Jim Karygiannis, waxa uu booqasho shakhsi ah ku yimi dalka Salaasadii toddobaadkii dhammaaday August 20, isaga oo ku yimi marti-qaad ay u fidiyeen jaaliyadda Somaliland ee dalka Kanada, si uu u soo arko xaqiiqada ka jirta Somaliland, kadib uu gacan uga siiyo ololaha ay ugu jiraan dib u dhiska iyo aqoonsi u raadinta Somaliland.

Mudane Jim, intii uu joogay dalka waxa uu kulamo la yeeshay madaxweynaha Somaliland, wasiiro, mudanayaal iyo madax kale. Waxaana uu ka qaybgalay dood iyo ra’yi is-weydaarsi ku saabsan aqoonsiga Somaliland iyo saamaynta qalaan-qalka Soomaaliya.

Karygiannis, waxa uu shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Raadyow Hargeysa, kadib markii uu soo gebogebeeyay socdaal indha-indhayn iyo xaqiiqo raadis ah oo uu ku soo maray Berbera, Boorama iyo Burco. Labadii maalmood ee shalay ka horraysay, kaas oo uu kaga warramay aragtidii uu ka qaatay Somaliland, iyo waxa uu la qaban doono marka uu dib ugu laabto dalkiisii. Mudanuhu waxa kale oo uu shirkaa jaraa’id aad ugaga hadlay su’aasha madax iyo minjo qof kasta oo uu la kulmo uu weydiinayay ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland. Inkasta oo uu ku cel-celiyay inaanu isagu ka soconin dawladda. Mudane Jim, waxa uu sheegay in isaga doorkiisu uu Yahay, inuu dadka u dhashay Somaliland ee Kanadiyaanka ah uu kala qaybqaato baadi-doonka aqoonsiga, uuna ku dhiir-gelin doono marka uu noqdo inay dalka yimaadaan oo ay door ka qaataan siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhinacyada kala duwan ee nolosha Somaliland. Isaga oo sheegay in arrimaha uu ku dedaali doono ay ka mid tahay in la maalgashado Somaliland, iyo in Kanada ay xafiis rasmi ah ku yeelato Somaliland. Laakiin arrinta aqoonsiga waxa uu mas’uuliyadda xooggeeda u xambaariyay dawladda Somaliland iyo dadkeeda dibadaha jooga, isaga oo sheegay in ay iyaga waajib ku tahay inay albaab kasta garaacaan, si ay u soo jiitaan bulshada caalamka.

“Waxaan kaloo kala halday xubno ka tirsan Baarlamaanka (Somaliland) iyo wasiiradaba in looga baahan Yahay in ay la yimaadaan afar qodob oo dal lagu aqoonsado,” ayuu yidhi Jim. Kuwaas oo kala ah; In ay ka jirto xasillooni buuxda, xuduudo nabdoon, doorashooyin xor ah iyo Hannaan Baarlamaan oo shaqaynaya.

“Waxaad haysataan xasillooni, waxaad nabad ku wada nooshihiin derisyadiina, waxaad hadda qabanaysaan  doorasho dimuqraadi ah tii u horraysay tan iyo 1969-kii,” ayuu yidhi Md. Jim, isaga oo intaa ku daray in guddiga doorashooyinka uu la kulmay, ayna u caddeeyeen in ay diyaarinayaan tartan Axsaab badan oo si xaq ah u dhaca, dhexna ay u yihiin ururada. Haddii doorashooyinkaasi dhacaan, waxaad ku helaysaan tixgelin weyn,” ayuu yidhi. Waxaana u sheegay in isaga iyo bulshada Somaliland ee Kanada ay ku dedaali doonaan inay goob-joogayaal caalami ah keenaan doorashada. “Marka doorashooyinkaasi dhacaan, waxaad fuliseen dhammaan hadafyadii la idiinka baahnaa inaad heshaan aqoonsi caalami ah,” ayuu yidhi. “Laakiin aqoonsi ma aha wax si yar oo fudud lagu helo,” ayuu yidhi.

“Waxaan u sheegay xubno golihiina wasiirada iyo Baarlamaanka ah, in hal cod iyo laba cod iyo saddex keliya ay caalamka weydiinayaan aqoonsiga,” ayuu yidhi mudane Jim. “Laakiin waa inaad qaadaan qorshe hujuun ah oo ay dibadda u baxaan xubno ka tirsan Baarlamaanka, wasiirada iyo weliba qurba-jooggiina, si ay u soo jiitaan beesha caalamka,” ayuu raaciyay.

Shirkaa jaraa’id waxa ku weheliyay mudane Jim, Rashiid Axmed Cismaan, Maxamed Cali Bile, iyo Samsam Ismaaciil oo ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee Kanada ee soo casuumay mudanaha iyo weliba mudane Barkhad Miigggane oo madax ka ah guddiga Arrimaha Dibedda ee golaha Wakiilada Somaliland.

Dhambaal Jawaab Ah Oo Uu Madaxweyne Rayaale U Diray Ururka Somaliland Forum

 

Harg (Haatuf):- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shaaca ka qaaday in aanay dawladdu waxba kala hadhaynin sidii ay u suurogelin lahayd in ay dalka ka dhacaan doorashooyin xalaal ahi. Sidaan wuxuu ku caddeeyay madaxweynuhu dhambaal qoraal ah oo uu kaga jawaabay warqad uu hore ururka Somaliland Forum ugu soo diray.

Dhambaalkaa jawaabta ah ee madaxweyne Rayaale u diray ururka Somaliland Forum, oo naloogu soo gudbiyay khadka Internet-ka, wuxuu ku ammaanay sida uu ururkaasi isaga xil-saaro gacan ka geysashada geedi-socodka qaddiyadda Somaliland, isla markaana wuxuu ugu sheegay xubnaha ururkaas in dawladdu xooga saarayso sidii ay doorasho xalaal ahi u dhici lahayd.

Dhambaalkaa jawaabta ah ee madaxweynuhuna wuxuu u dhignaa sidan;

Ku: Somaliland Forum.

“Waxaan idiinka mahad celinayaa Dhambaalkiinii Talooyinka iyo Bogaadinta isugu jiray ee aad ii soo dirteen.

 Waxaan idinku Amaanayaa sida aad isugu xilqaamaysaan gacan ka geysashada Geedi socodka Somaliland, ee ka yool gaadhida ujeedooyinkii loo soo halgamay.

 Waxaan idiin xaqiijinayaa waajibaadka naga saaran toosinta iyo turxaan bixinta, iyo  xoojinta midnimada shacbiga,  in aanan marna ka nasanayn siddii aan khudbadaydii ugu horaysay ugu balanqaaday.

 Dhinaca Dawladda, Doorashooyinka kaalinta ay kaga aadan tahay waxaan idiinka balan qaadayaa in aanan Dawladaydu waxba kala hadhayn siddii ay u suurtagali lahayd inay Dalka ka dhacaan  Doorashooyin  xalaal ahi.

 Waxaan idin xasuusinayaa in Gogol-xaadhka Arrintaasi wax badani ay nooga qabsoomeen sida saaristii wixii khilaaf ah ee jiray mucaarid, madax dhaqameedyo  iyo shacbiga,  guud ahaan  si mabda midaysan looga wada duullo, wixii xoojinta maamul ahaan, dhamaystirkeedii meel fiican ayey noo maraysaa.”

 Waad mahad santihiin,

 Dahir Rayaale Kaahin, (Madaxweyne)

Hawl-Galka Laba-Kacleynta C/Laahi Yuusuf Iyo Atmosfeerka Xaaladaha Siyaasadda Iyo Nabadgelyo Ee Puntland

 

Sida la og yahay marxalad cusub oo siyaasadeed ayaa hadda isku gedeftay dhulka maamul-goboleedka Puntland, waxayna taasi ka dambaysay markii uu horaantii bishan aynu ku jirno ee Ogost hogaamiyaha Puntland, Cabdilaahi Yuusuf Axmed guluf dagaal ku galaabixiyey mucaarad hubaysan oo taageersan dhinacyo ka soo horjeeda oo uu ka mid yahay Jaamac Cali Jaamac oo ah ninkii uu dhowaan, isaga iyo maamulayaashiisiiba ka qabsaday Puntland, ka dib markii ay muddo isku hayeen gacan ku haynta talada Puntland, waxayna dagaalo culus oo dhimasho iyo dhaawac door ah keenay ka dhaceen jiidaha u dhexeeya Boosaaso ilaa Qardho, laakiin khasaaruhu inta uu doono ha le’ekaadee ciidamada Cabdilaahi Yuusuf way ka gol-roonaadeen mucaaradkii hubaysnaa ee ka soo horjeeday, waxayna taasi keentay inuu C/laahi Yuusuf hawl-galkiisa ku dhereriyo dariiqa dheer ee min Boosaaso ilaa Gaalkacayo, waxaana gulufkiisaa lagu micneeyey inay tahay laba-kaclayn uu dib ugu qabsanayo awoodda Puntland, ka dib markii ay kal hore ka kala daadiyeen mucaarad xooggan oo ka hor yimi, taas oo uu Cabdilaahi Yuusuf horaantii sannadkii 2001 ka layaystay madaxtooyadiisii Garoowe, ka dib markii uu hayn waayey kacdoono sawaxan iyo gacan ka hadal-ba isugu jira oo lagala hor yimi, waxayna mucaaradkii ku kacay halkiisii ku bedeleen Jaamac Cali Jaamac.

Hase yeeshee sannad iyo dheeraad markii uu Cabdilaahi Yuusuf meel qoor ah ka joogay talada Puntland ayuu mar kale horaantii sannadkan hanqalka la soo kacay, wuxuuna ku guulaystay inuu mar kale Jaamac Cali Jaamac ka qabsado magaalooyinka Garoowe ee Xarunta maamul-goboleedka Puntland iyo magaalo-xeebeedda muhimka ah ee Boosaaso oo uu Jaamac Cali Jaamac muddo ka talinayey. Laakiin su’aasha meesha taal waxay tahay waqtigan xaadirka ah waa sidee atmosfeerka siyaasadeed ee Puntland, iyadoo ay dad badani iswaydiinayaan waqtigan xaadirka ah intee bay le’ek tahay awoodda Cabdilaahi Yuusuf, dhinaca kalena aragti noocee ah ayey dadka degaamaasi ka haystaan Cabdilaahi Yuusuf iyo laba-kaclayntiisan dambe. Sidoo kale waxa, iyana iswaydiin leh waa sidee xaaladaha maamul, nabadgelyo iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ama dhaqaale ee Puntland.

Ugu horayn Cabdilaahi Yuusuf hadda waxa uu u muuqdaa nin mar kale hantiyey talada iyo awoodda Puntland, iskana muquuniyey mucaaradkii uu mudooyinkii u dambeeyey ka ledi-waayey, iyadoo ay wararku sheegeen inuu Cabdilaahi hadda haysto ilaa 9000 oo askari oo aad u hubaysan, aadna daacad ugu ah.

Magaalada Qardho oo ku taal meel u dhexaysa Garoowe iyo Boosaaso waxay ahayd ubucda mucaaradkii Cabdilaahi Yuusuf ka horjeeday, iyadoo ay Qardho ahayd dhufayska ugu weyn ee ay dabada ku hayeen maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ay dirirta ba’ani ku dhexmartay buuraleyda u dhexaysa Boosaaso iyo Qardho, kuwaas oo laf-dhuuf gashay ku noqday bilihii u dambeeyey, hase yeeshee Cabdilaahi Yuusuf markii dhawr toddobaad ka hor ka soo hinqaday Boosaaso waxa uu in muddo ah bustaha dhigtay magaalada Qardho si uu dhufaysyada mucaaradka u faaruqiyo, waxayna wararku sheegeen inuu magaalada Qardho ku soo dhaafay inka badan ilaa kun askari oo aad u hubaysan. 

Laakiin marka laga yimaado awoodda milateri ee uu kaga itaal roonaaday mucaaradkiisa waxay wararku leeyihiin waxa jira sababo kale oo u saamaxay inay mar kale taqadiisu soo noolaato, taas oo ay wararka degaamada Puntland ka soo baxayaa leeyihiin Cabdilaahi Yuusuf waxa dheg u noolaysay ducfinimo siyaasadeed iyo karti daradii maamul ee Jaamac Cali Jaamac, taas oo keentay dad badan oo markii hore si weyn u taabacsanaa Jaamac inay ka nafsad jabaan, taasina waxay keentay inay mar-ba marka ka dambaysta sii liciifto taageeradii shishlayd ee la isla barbar taagay ayaamihii ay talada ku hirdamayeen, isaga (Jaamac) iyo Cabdilaahi.

Waxyaalaha Jaamac lagu xantay ee kalsoonidiisii siyaasadeed iyo taageeradii loo hayey wiiqay waxa ka mid ah inuu yahay nin u dhego nugul oo nasteex u ah maamulka C/qaasin Salaad iyo siyaasadaha kooxda loo yaqaan Carta, kuwaas oo la sheegay inaan laga jeclayn degaamada Puntland, loona arko inay khatar ku yihiin jiritaanka iyo mabaadi’da Puntland, iyadoo ay dad badan oo Reer Puntland ah ugu muuqatay inuu Jaamac yahay nin gacmo jil-jilicsan ku haya mabda’a iyo jiritaanka Puntland marka la doonana si hawl yar gacmihiisa looga saari karo, taas dhigeedana Cabdilaahi Yuusuf waxa loo arkay nin qulaan-qulshaha mindi ka gelinaya C/qaasin iyo ragga la socda ee kooxda Carta lagu naanayso iyo inuu yahay nin ku ad-adag mabaadi’da iyo jiritaanka Puntland oo ilaalinaya. Arimahaas iyo waxyaalo kale oo la mid ah iyo weliba kartida shakhsiga ah ee uu kaga saayid-caleeyey Jaamac Cali Jaamac ayaa Cabdilaahi u saamaxay inay talada Puntland mar kale gacmihiisa ku soo noqoto.

Hase yeeshee dad badan baa aaminsan meelkasta ha joogeene inuu Cabdilaahi Yuusuf hadda Puntland ku qabsaday ama ku haysto keliya cudud milateri, dadkuna ay ku raaceen baqdin ay ka baqayaan, laakiin inkasta oo la odhan karo wax baa taa ka jira, haddana waxay wararka hadda soo baxay leeyihiin arintu sidaa ma wada ah ee wax badan baa taa ka bedellan.

“Awoodda dib u soo noolaatay ee Cabdilaahi Yuusuf kuma wada salaysna cudud milateri iyo baqdin laga baqayo, laakiin waxa uu hadda haystaa taageero siyaasadeed, waxaana jira rabitaan loo hayo.” Sidaa waxa ku waramay Cabdalle Xaaji Cali iyo Faysal Ibraahin oo ay weriyayaal Haatuf ka tirsani kala sheekaysteen xaaladaha kala duwan ee ay ku soo arkeen degaamada Puntland oo ay toddobaadkii ina dhaafay horaantiisii socdaal ku tageen.

Cabdalle X. Cali iyo Faysal Ibraahin waxay labaduba waqtiyo kala dambeeyey maayar ka soo noqdeen magaalada Berbera, wuxuuna socdaalkooda Puntland inta badan ku saabsanaa hawlo u gaar ah, waxayna ku simeen ilaa magaalada ku taal badhtamaha Somaliya ee Gaalkacayo, iyaga oo magaaladaa ku sugnaa ayaamihii uu Cabdilaahi Yuusuf socdaalkiisii u dambeeyey ku tegey oo ahayd horaantii toddobaadkii hore.

Cabdalle iyo Faysal waxay weriyayaasha Haatuf ee la kulmay la yeesheen xog-waraysi dheer oo dhinacyo badan leh, laakiin ugu horayn, iyaga oo tilmaamaya sababaha uu Cabdilaahi Yuusuf hadda u helay taqada siyaasadeed iyo taageerada dad badan waxay yidhaahdeen “Cabdilaahi Yuusuf waxay dadkaasi u arkeen nin aan laga maarmayn”, waayo bay yidhaahdeen “Horta waxyaalaha Cabdilaahi Yuusuf caawiyey waxa ka mid ah jilicsanaantii Jaamac Cali Jaamac, ta kale Jaamac waxay dadku ka rumaysnaayeen inuu yahay nin daacad u ah kooxda Carta, halka Cabdilaahi loo arkay inuu yahay nin aan kooxdaa u jajab-nayn, Puntland-na ku ad-adag, sidaa darteed mudadii ay talada Puntland ka baxday faraha Cabdilaahi Yuusuf, una gacan gashay Jaamac waxay dadku aad uga wer-wereen nabadgelyadii gudaha iyo jiritaankii Puntland oo khatari ku sugan, taasna waxay dad badani u arkeen inuu Cabdilaahi Yuusuf  yahay ninka waqtigan bad-baadin karaya Puntland”.

Hase yeeshee labadan nin waxay qireen cududda milateri ee uu Cabdilaahi Yuusuf hadda la dhex-joogo dhulka Puntland.“Cabdilaahi Yuusuf waxa uu hadda haystaa ciidan tiradiisa lagu qiyaaso ilaa sagaal kun oo askari oo aad u hubaysan, waxaana ciidankii aanu aragnay nooga muuqday kala dambayn iyo dhisibiliin aad ah,” ayey yidhaahdeen, iyaga oo sheegay inuu Cabdilaahi Yuusuf imaatinkiisii gaalkacayo watey dhawr iyo toban tikniko ah iyo ilaa 200 oo ah askari oo ku hubaysan qoryaha tuurta lagu qaato ee darran-dooriga u dhaca, waxayna xuseen in Gaalkacayo si balaadhan loogu soo dhoweeyey. “Marka la eego haykalka awoodiisa maamul jinaaxa ciidanka ayaa dhisme ahaan hadda ugu itaal roonaa, waxaana naloo sheegay inuu aad ugu dedaalo mushaharkooda oo aanay bil qudha dib uga dhicin” ayey yidhaahdeen Cabdalle iyo Faysal, iyaga oo ka waramaya sida ay hadda tahay awoodda maamul ee Cabdilaahi Yuusuf, waxayna sheegeen inay tamarta maamul ee Puntland aad u kala daadatay mudadii ay Cabdilaahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac isku hayeen talada hogaaminta Puntland.

“Maamulku aad buu u kala daatay, gaar ahaan awoodii maamul ee dawladda dhexe waxay u muuqatay inay duntay, sidaa darteed ay u baahan tahay dib-uhabayn iyo dib-udhis weyn, taas oo uu Cabdilaahi Yuusuf hadda ku hawlan yahay sidii uu u xoojin lahaa awoodiisa maamul dhinac kasta, wuxuuna hadda kordhiyey cashuuraha uu qaado”, ayey yidhaahdeen. Laakiin Cabdalle iyo Faysal mar la waydiiyey bal inay hadda jirto mucaaradad tamar leh oo mar kale Cabdilaahi Yuuusuf khatar gelin kartaa iyo inkale waxay ku jawaabeen “Intii aanu aragnay iyo intii aanu xogta ku helay marka la isu geeyo nooma ay muuqan mucaaradad waqtigan xaadirka ah turun-turayn karta ama khatar ku haysa Cabdilaahi Yuusuf milateri ahaan iyo siyaasiyan labadaba”, laakiin macnuhu ma aha inuu Cabdilaahi af iyo adin-ba si kama dambays ah uga takhalusay dadkii mucaaradka ku ahaa, balse waxa taasi noqonaysaa inaanay waqtigan xaadirka muuqan ama jirin cid abaabullan oo khatar weyn ku haysaa. 

Faysal iyo Cabdalle, iyaga oo ka waramaya xaaladda nabadgelyo ee Puntland sida ay tahay waxay yidhaahdeen “Xaaladda nabadgelyo ee aanu degaamadaa ku aragnay waxay ahayd mid aad iyo aad u wanaagsan, runtiina xasilooni qaan-gaadh ah ayaa degaamada nooga muuqatay, waxaanuna odhan karnaa dhinaca nabadgelyada Puntland waa meel Somaliland aad ugu eg dhinaca xasiloonida”, waxayna intaa ku dareen “Marka laga yimaado kontaroolada magaalooyinka waaweyn mar qudha wadada kumaanu arag wax koontarool ah iyo wax sidaa kuu eegaya toona, mana aanu arag cid qori sidata”, laakiin dhinaca kalena waxay Cabdalle iyo Faysal sheegeen inuu magaalada Gaalkacayo ka socdo dhaqdhaqaaq ganacsi oo aad xaami u ahi, taas oo ay magaalada Gaalkacayo ku tilmaameen xarun ganacsi oo aad u camiran.

“Gaalkacayo waxay noqotay xarun ganacsi oo aad u balaadhan, waxaana ka goosha ama soo gala safarada koonfurta Somaliya, dhinaca Itoobiya, Boosaaso iyo dhinaca Somaliland, magaalada Gaalkacayona waa meel aad iyo aad u camirran oo ilaa raxan-weyn ayaa ganacsigoodu joogaa,” ayey yidhaahdeen, waxayna intaa ku dareen “Dad badan oo Reer-Somaliland ah ayaa ganacsigoodu ku xidhan yahay Gaalkacayo iyo dekedda Boosaaso, oo marka laga yimaado dadka dekedda Boosaaso wax kala soo dega ee Reer-Somaliland, xataa waxay ganacsatada Reer-Somaliland wax kala soo degaan madaarka gaalkacayo”, hase yeeshee Faysal iyo Cabdalle mar la waydiiyey inay dadka Reer-Somaliland ee uu ganacsigoodu ku xidhan yahay Puntland halkaa kala kulmaan wax hagar-daamo ah waxay yidhaahdeen “Maya, lama kulmaan wax dhibaato ah, weliba waxa loo muujiyaa soo dhowayn weyn, lamana tuso wax nabadgelyo daro ah iyo wax qalo ah toona, anaga laftayaduna intii aanu joognay dadkii aanu la kulanay oo ahaa dad kala duwan waxaanu kala kulanay soo dhaweyn aad iyo aad u wanaagsan, mana aanu arag wax colaad ah oo ay dadkaasi u hayaan dadka Reer-Somaliland, laakiin doodaha na dhex-marayey iyo su’aalaha ay noo soo qadimayeen waxa ka mid ahaa maxaad goosashada ku falaysaan iyo waxyaalo la mid ah, taasna jawaab baanu ka siinaynay”.

Cabdalle X. Cali iyo Faysal Ibraahin waxa kale oo wax laga waydiiyey xaaladda gobolka Sool ee bariga Somaliland oo ka mid ah meelaha ay cagta soo dhigeen, waxayna farta ku fiiqeen duruufo siyaasadeed iyo kuwa maamul oo ay sheegeen inay gobolkaa hadhsanayaan, waxaana waxyaalaha ay xuseen kuna tilmaameen dhibaato gobolkaa haysata ka mid ah koontaroolo tiro badan oo ay sheegeen in lagu mashaqeeyey degaamada gobolkaa, kuwaas oo ay yidhaahdeen waxay ku teedsan yihiin wadada laamiga ah ee dhex-jibaaxda degaanka min bari ilaa galbeed ee gobolka Sool, “Qiyaas ahaan 18-kii KM-ba hal koontarool baa yaal, waxaana taagan niman maleeshiyaad ah qoryo sita” ayey yidhaahdeen Faysal iyo Cabdalle, dhibaatada koontaroolada faraha badanna waxay ku tilmaameen mushkilad aan lala qabin gobolka Sool.

“Waxaanu odhan karnaa labada maamul (Somaliland & Puntland) midna saamayn micno leh oo maamul kuma laha” ayey yidhaahdeen, iyaga oo ka waramaya xaaladda maamul ee gobolka Sool, waxayse intaa ku dareen oo ay yidhaahdeen “Laakiin koontaroolada aanu soo maray waxaanu ku arkeynay niman dirayska Puntland sita”, laakiin mar la waydiiyay inay gobolka Sool ku arkeen ciidamo Somaliland ah waxay sheegeen inay meelaha qaarkood ku arkeen niman qoryo sita oo loo sheegay inay ciidamada Somaliland yihiin, laakiin aanay wax calaamad ahi ka muuqan. Hase yeeshee labadan nin waxay gobolka Sool ku tilmaameen meel uu dayac maamul si weyn u aafeeyey.

Shir Xarunta Ururka SAHAN Ka Dhacay Oo Lagaga Dhawaaqay Gyuddoomiye Iyo Ku-Xigeen Cusub

Waxa Dhacay ma aha wax xeerka ururka waafaqsan, waan sharci-darroMaxamed Cumar Jiir

Hargeysa (Haatuf): Ilaa 34 xubnood oo la sheegay inay ka tirsan yihiin golaha dhexe ee ururka SAHAN ayaa kulan ay shalay isugu yimaadeen oo ka dhacay Xarunta ururka SAHAN ee Hargeysa ku sheegay inay doorteen Guddoomiye iyo Guddoomiye-xigeen cusub oo ururka SAHAN ah, iyaga oo xubnaha golaha dhexe ee shirka isugu yimi ay sheegeen inay bedeleen gudoomiyihii SAHAN Maxamed Cumar-jir, sidoo kalena waxay sheegeen inuu is casilay Guddoomiye-xigeenkii ururku, Xuseen Caynaan, waxayna sheegeen inay kulankooda Guddoomiyaha iyo kuxgeeenka cusub ee ururka SAHAN ugu doorteen labada nin ee ay magacyadoodu kala yihiin: Cali-salaad Maxamed Saalax (Guddoomiye) iyo Xaaji Diini Cabdilaahi (Guddoomiye-xigeen).

Guddoomiyaha golaha dhexe ee SAHAN, Eng: C/raxmaan Ducaale oo kulankaa gudoominayey ayaa Haatuf u sheegay inuu Guddoomiyaha ay bedeleen, Maxamed Cumar-jiir, kulankooda markii hore ka soo xaadiray, isla markaana uu shirka furay, laakiin uu ka cudur-daartay inuu kulankaa ka qayb galo xanuun dartii, uuna aqbalayo wixii shirka ka soo baxa, wuxuuna C/raxmaan intaa ku daray inay Xubnaha golaha dhexe ee isu yimi ahaayeen aqlabiyaddii golaha dhexe sidaa darteed wixii ay go’aamiyaan ay sharci yihiin. “Guddoomiyaha la bedelay shirka wuu noo furay, laakiin wuu ka cudur-daartay inuu shirka nala joogo oo wuxuu yidhi waan xanuunsanayaa, wuxuuna yidhi waan qaadanayaa wixii shirku gaadho” ayuu yidhi C/raxmaan Ducaale, laakiin C/raxmaan mar la waydiiyey inay ajandaha shirkooda ku jirtey in Guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa la bedelo iyo inkale wuxuu yidhi “Markii shirka la isugu yimi ayaa la go’aansaday in la doorto madax cusub oo ka shaqaysa sidii uu u qabsoomi lahaa shirweynihii ururka ee lagu doorran lahaa hogaanka rasmiga ah iyo musharaxa ururka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-xigeenka cusub ee la doortayna waa ku meel-gaadh”. Hase yeeshee Maxamed Cumar-jiir Guddoomiyaha SAHAN ee ay Xubnaha golaha dhexe ee kulanka isugu yimi ku dhawaaqeen inay bedeleen ayaa isna dhiniciisa arimahaa jawaab ka bixiyey.

Eng C/raxmaan Ducaale waxa kale oo la waydiiyey in xal loo helay khilaafkii ka jirey ururka dhexdiisa wuxuu sheegay inaanu qirsanayn inuu wax khilaaf ahi jiro, laakiin ay taasi tahay keliya ra’yi lagu kala duwan yahay, ra’yigana waa lagu kala duwanaan karaa ayuu yidhi C/raxmaan Ducaale, laakiin wixii ra’yi ah ee lagu kala duwanaadana waxa lagu dhaqmayaa ayuu yidhi “Dimoqraadiyadda, waxaana la raacayaa aqlabiyadda”.

Sidoo kale ninka ay Xubnaha golaha dhexe ee kulanka yeeshay u doorteen Guddoomiyaha SAHAN, Cali-salaad Maxamed Saalax ayaa mar aanu waydiinay inuu sharci u arko, kuna qanacsan yahay qaabka loo doortay waxa uu ku jawaabay “Waan ku qanacsanahay in qaabka la ii doortay, waana sharci, waana wax caadi ah in midna la bedelo, midna la doorto”, wuxuuna sheegay in hawsha ugu horaysa ee ay qabanayaan isaga iyo kuxigeenkiisa inay tahay sidii ay si dhakhso ah ugu qaban lahaayeen shirweyne ururku isugu yimaado oo lagu doorto madax rasmi ah iyo musharaxa ururka iyo weliba inay hawshii ururka ee kala daadatay ay boodhka ka tumayaan . Laakiin Cali-salaad mar la waydiiyey inuu qirsan yahay inuu khilaaf ka jiro hogaanka ururka dhexdiisa wuxuu sheegay inaanu qirsanay taa, wuxuuna yidhi: “Khilaaf iminka jira oo aan ogahay ma jiro ee waxay ahayd uun nimankii hogaanka hayey oo waxoogaa shaqada lagu dhaliilayey, lagana wada hadlayey sidii loo bedeli lahaa, taana waa lagu kala aragti duwanaan karaa”. Sidoo kale Cali-salaad waxa la waydiiyey su’aal ahayd marka laga reebo 34-ka xubnood ee kulanka isugu yimi Xubnaha aan kulankaa iman ee golaha dhexe oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa dhawr iyo labaatan xubnood meesha ay ku maqnaayeen wuxuu ku jawaabay “Wax fasax ku maqan iyo wax shaqo ku maqan labadaba way leeyihiin”, laakiin haddana waxa la waydiiyey “Miyaanay jirin qaar aan fasax iyo shaqo midna ku maqnayn oo khilaafka dartii ku maqani”, wuxuuna yidhi; “Haa way jiri karaan, laakiin aqlabiyad baa la raacayaa, sida uu sharcigayagu dhigayo”.

Ninka ay Xubnaha kulanka isugu yimi ee golaha dhexe ee SAHAN sheegeen inay u doorteen Guddoomiyaha SAHAN, Cali-salaad Maxamed Saalax waxa uu sheegay inuu durba qaaday talaabadiisii u horaysay, taas oo uu yidhi; “Waxaanu dhisnay guddigii fulinta,” waxayna guddiga cusub magacyadoodu kala yihiin: 1-Cali-salaad Maxamed Saalax (Guddoomiye) 2- Xaaji Diini Cabdilaahi (Guddoomiye-xigeen) 3- Xasan Sh. Maxamed (Waxbarashada) 4- Eng: C/raxmaan Xaaji Daahir (Abaabulka) 5-Xuseen Ismaaciil Yuusuf (Dhaqaalaha) 6-Ciise Maxamed Xuseen (Ciise-curaagte (Arimaha Debedda) 7-Cismaan Jaamac (Arimaha Bulshada) 8-Sheekh Maxamed Muuse (Arimaha Diinta) iyo 9- Cabdilaahi Cali Xuseen (Qorshaynta).  

Dhinaca kalena Guddoomiyaha SAHAN ee ay Xubnaha kulanka isugu yimi sheegeen inay bedeleen, Maxamed Cumar-jiir ayaanu wax ka waydiinay sida uu u arko arintaa, wuxuuna ugu horayn yidhi “Horta anigu ma ihi nin ku dhegan Guddoomiyenimada, laakiin waxaan doonayey inuu isbedelku noqdo mid ku fadhiya sharciga”, laakiin Maxamed wuxuu intaa ku daray “Waxaan ku dedaalayey in inta shirweyne la isugu imanayo ee la dooranayo hogaan rasmi ah iyo musharaxa ururka aanay dadku kala tegin, laakiin nasiib daro dadkii oo kala qaybsan ayey qolo gaar ahi shir aan la isla wada ogayn hoosta ka diyaarsadeen”. Hase yeeshee Maxamed Cumar-jiir mar la waydiiyey imaatinkiisa xafiiska iyo inuu shirka meesha ka dhacay wax ka ogaa waxa uu yidhi “Anigu waxaan xafiiska u imi inay guddiga fulintu isu yimaadaan oo ay arimaha ka wada hadlaan, ka dibna wixii ay isku raacaan u gud-biyaan golaha dhexe ee ururka, laakiin markii aan xafiiska soo galay ayaa la igu yidhi golihii dhexe wuu fadhiyaa ee kaalay shirka noo fur, dabadeed-na waan ka cudur-daartay, laakiin markii dhawr goor la igu cel-celiyey ayaan Guddoomiyaha golaha dhexe, C/raxmaan Ducaale ku idhi adiguba fur hadii aad doonaysaan, isla markaana waxaan ku idhi diyaar uma ihi dood iyo inaan shirkaa aad iigu yeedhaysaan maamulo.”

Maxamed Cumar-jiir waxa kale oo la waydiiyey inuu ku qanacsan yahay bedelka ay Xubnaha golihiisa dhexe ee shiray sheegeen inay ku sameeyeen wuxuu yidhi “Anigu xilka Guddoomiyaha inaan ka dego waan rabaa, kumana dhegani, balse bedel aan xeerka ururka waafaqsanayn kuma qanacsani, laakiin diyaar baan u ahay in si sharci ah la ii bedelo, waxaana Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-xigeenka ururka lagu bedeli karaa shirweyne sida uu sharcigayagu yahay”. Laakiin Maxamed Cumar-jiir mar la waydiiyey mar hadii ay taasi dhacday sida uu yeelayo ama u arko in la yeeli karo, wuxuu ku jawaabay “Waxay u baahan tahay in la isaga yimaado sidii khilaafka loo dejin lahaa, hadii ay taasi dhici waydana hayadaha sharciga ayey arintu u taal”, ayuu Maxamed hadalkiisa ku soo af-jaray.

Wefti Golaha Guurtida Ah Oo

Fagaare Kala Hadlay Dadka Reer Boorama

Boorama (Haatuf): Wefti ka socda Golaha Guurtida oo socdaal hawleed ku tegay Gobolka Awdal, ayaa shalay meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama.

Siduu noo soo tebiyay weriyahayaga Gobolka Awdal Maxamed Cumar, dadka reer Boorama ee fagaaraha u tegay dhegaysiga khudbadaha weftiga, waxay ahaayeen dad aan tiro badnayn. Kulankaas Weftiga Guurtidu kula hadlay dadka, waxaa ugu horreyn hadal kooban ku furay Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Muuse Bahdoon, waxaanu u sheegay dadkii fagaaraha yimi in Xukuumaddu doonayso doorashooyinka soo socda in ay u dhacaan si cadaalad ah oo nabadgelyo ku dhisan. Wuxuu intaa ku daray, Maamulka Gobolka Awdal in aanu cidna garab ku siinaynin hanashada guusha ee uu dhex u yahay dhinacyada oo dhan.

Hadalkaa Badhasaabka kadib, waxaa halkaa khudbado ka jeediyay Mudanayaal Weftiga Guurtida ee halkaas tegay ka tirsan, kuwaas oo kala ahaa: Mud. Yuusuf C/laahi iyo Mud. Ibraahim Ciise, waxaanay labadooduba dadka u sheegeen in ujeeddada socodkoodu tahay, mid goluhu ku baraarujinayo dadweynaha Gobollada Dalka. Isla markaana, arrimaha ugu waaweyn ee hawl-galkooduna ay yihiin, sidii ay dadka ugu wacyi-gelin lahaayeen adkaynta nabadgelyadda, iyo ka qayb-galka doorashada.

Dhinaca kale, waxaa isna halkaa ka hadlay, Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo u hadlay Salaadiinta Reer Boorama, waxaanu sheegay in amaan reer Boorama la huwiyaa ay ku keeni karto is-dhigasho, sidaas darteedna wuxuu u soo jeediyay bulshada deegaankaas in ay ku dedaallaan, ka-qayb-galka Cod-bixinta doorashada.

Guri Ku Yaalla Burco Oo Gubtay

Burco (Haatuf): Guri ka mid ah Guryaha magaalada Burco, ayaa Jimcihii gubtay, waxaana halkaas ku shuf-beelay laba qol oo ka mid ahaa gurigaas.

Siduu noo soo tebiyay Weriye Liibaan Maaweel Shire, ma jiraan dad uu dilay dabkaasi, marka laga reebo Haweenay lagu magacaabo Nimco X. Axmed oo gurigaa degan oo lugta dhaawac fudud oo cad-go’ ahi ka gaadhay mooyaane.

Lama sheegin sababta dabkaa dhalisay, hase yeeshee waxa la sheegay inuu dabkaasi holcayay muddo saacad iyo badh gaadhaysay, dad badan-nina ay u gurmadeen si loo bakhtiiyo, laakiin ay ku guullaysan waayeen in ay wakhti intaa ka yar ku bakhtiiyaan.

Warku wuxuu intaa ku daray, in magaalada Burco aanay lahayn qalab dab-damis ah, hal baabuur oo dab-damis ahaa oo hore loo keenayna uu ku baaba’ay xarunta dawladda hoose dhexdeeda, halkaas oo la sheegay in lagu furfurtay intii Maamuladii hore joogeen.

Gabiley: Duruufta Biyo-La’aanta Iyo Qaylo-Dhaanta Maamulka

 

Gebilay (Haatuf): Xaalad ba’an oo biyo la’aan ah ayaa soo food saartay magaalada Gebilay iyo weliba magaalada xadka ku taal ee Tog-wajaale. Sidoo kale roobab dhowaan ka da’ay degaamada Gebilay ayaa waxyeelo u geystay beeraha khudaarta ee degaanka magaalada Arabsiyo oo ka tirsan degmada Gebilay, arimahaasna waxa ka hadlay, qaylo-dhaanna ka soo saaray maayarka degmada Gebilay, Xasan Xaaji Yuusuf.

Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan ayaa ka soo waramay xaaladda biyo la’aanta ee halkaa ka jirta iyo waxa uu maayarka Gebilay ka yidhi dhibaatooyinka degaankiisa ka jira, wuxuuna weriyuhu war-bixintiisa ku bilaabay:

“Maayarka Gebilay, Xasan Xaaji Yuusuf ayaa ka hadlay xaalad biyo la’aan ah oo soo food saartay magaalada Gebilay iyo weliba Tog-wajaale, wuxuuna hadalka maayarku ahaa qaylo-dhaan uu ku doonayo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda biyo la’aanta iyo dhibaatada kale ee ay daadadku soo gaadhsiiyeen degaanka Arabsiyo. “Magaalada Gebilay waxa soo food saartay biyo yaraan xoog leh oo cidhiidhi gelisay nolosha dadka magaalada ku nool,” ayuu yidhi maayarku, isaga oo intaa ku daray “Iyadoo ay awelba biyuhu yaraayeen ayaa hadd intii yaraydna la waayey”. Sidoo kale magaalada ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itooobiya ee Tog-wajaale ayaa, iyana biyo la’aani soo food saartay, ka dib markii uu xumaaday ceelkii ay magaaladaasi biyaha ka cabi jirtey, wuxuuna maayarka Gebilay sheegay inuu ceelkaasi u baahan yahay dayac-tir.

Dhinaca kalena waxa uu maayarka Gebilay ka hadlay khasaare soo gaadhay beeraha khudaarta ee degaanka Arabsiyo, ka dib markii ay waxyeeleeyeen daadad ka soo rogmaday roobab ka da’ay degaamadaa oo soo maray dooxa weyn ee Arabsiyo. “Daadadkaasi waxay khasaare weyn u geysteen ilaa lixdan (60) ka mid ah beeraha bustaanta ee khudaarta ee Arabsiyo, kuwaas oo ku yaal dooxa magaalada Arabsiyo hareerihiisa,” ayuu yidhi maayarku, wuxuuna intaa ku daray “Daadadkaasi waxay baabi’iyeen dhismayaashii dooxaha hareerihiis ku yaalay, dhismayaashaasna waxa ka mid ah laba iskuulo oo H/dhexe ah oo min 8 fasal ah oo ay ardaydu wax ku bartaan”.

Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland, Maxamed Cabdi-malow ayaa isna dhowaan socdaal ku yimi Gebilay, wuxuuna ii sheegay inay ujeedada socdaalkiisu tahay u kuur-gelidda xaaladda biyo yaraanta degmada, isaga oo sheegay inay hay’adda COOPI ceel biyaha ah ka qodayso Gebilay waqtiyada dhow, laakiin maayarka oo aan wax ka waydiiyey kulan dhex-maray, isaga (maayarka) iyo wasiirka biyaha ayaa ii sheegay inuu wasiirku daba socdey ceel ay hay’adda COOPI ballan qaaday inay degmada u qodayso iyo inuu kormeerayey ceelkii hore ee Gebilay oo biyo yaraaday. Laakiin maayarku isaga oo ka waramaya guud ahaan xaaladda biyo yaraanta degaamada Gebilay iyo inta ay qoto le’eg tahay xaaladda biyo yaraanta magaalada Gebilay lafteeda wuxuu yidhi “Meesha ugu biyo yari waa magaalada Gebilay 95% waxa magaalada biyaha u dhaamiya booyado, kuwaas oo biyaha u raadiya dooxyo aanay biyahoodu fiicnayn, ceelka biyaha ee gebilayna wuxuu hadda waraabin karaa 10%, meesha labaad ee ugu biyo xumina waa Tog-wajaale oo uu ceelkeedii u fadhiyo cilad yar oo farsamo oo ay qaban karaan wasaaradda macdanta iyo biyuhu, waayo wuxuu u baahan yahay Fiishin”.

Tuulada Geed-balaadh mooyee inta badan tuulooyinka kale ee degaamada Gebilay waxay ka cabaan Baraago iyo Balliyo, wuxuuna maayarku sheegay inuu ceelka Geed-balaadh aad u biyo badan yahay sidaa darteed buu yidhi: “Haddii beebab loo geliyo ceelkaa uu waraabin karo magaalada Tog-wajaale”, laakiin maayarku waxa uu ugu dambayn hadalkiisa ku soo xidhay weedho qaylo dhaan ah oo uu ku dal-banayo in laga caawiyo duruufaha biyo la’aanta iyo weliba khasaaraha uu keenay daadka ka soo rogmaday dooxa Arabsiyo, wuxuuna yidhi “Waxaanu codsanaynaa in nalooga soo gurmado dhibaatada biyo yaraanta ee ku habsatay magaalooyinka Gebilay iyo Tog-wajaale, taas oo u baahan kaalmo aadaminimo iyo dooxa Arabsiyo oo dhibaato weyn geysanaya hadii aan la gaadhin oo dhakhso wax looga qaban.”

Guddoomiyaha Ururka BIRSOL Oo Kheyriyada Burco Dadka Kala Hadlay

Burco (Haatuf): Ururka BIRSOL oo ka mid ah sagaalka urur-siyaasadeed ee isu diiwaangeliyay tartanka asxaabta badan, ayaa shalay dadweynaha kala hadlay fagaaraha khayriyada ee magaalada Burco.

Sida ay ku soo warramay weriyahayaga Burco, Guddoomiyaha ururka BIRSOL Axmed Sandoon Xasan, ayaa halkaasi ka hadlay, waxaana uu dadweynaha uga waramay barnaamijka siyaasadeed ee ururkiisu uu ugu talogalay inuu kula tartamo asxaabta kale ee isu diyaarisay hoggaaminta dalka, iyo mabaadiida ururka.

Sandoon waxa uu sheegay in ururkiisu uu xoogga saarayo kobcinta dhaqaalaha, waxaana uu bogaadiyay ganacsatada maal-gashatay wershadda hargaha iyo ta hilibka oo Burco laga hirgeliyay.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay Duqa magaalada Burco Aadan Waqaf, oo ururkaa ku soo dhoweeyay Burco iyo fagaaraha khayriyada.

Guddoomiyaha BIRSOL, Mr. Axmed Sandoon intii aanu gaadhin Burco, waxa uu sii furay xafiiska ururkaas ee degmada Sheekh.

Ma Laga Yaabbaa In Aynu

Somaliland Dhigno Badka Khamaarka?

Faallo – C/risaaq M. Dubad

Waxa lagu jiray wakhtigii ugu adkaa oo uu jiray werwerkii ugu weynaa ee aayaha Siyaasadeed ee Somaliland. Khilaafkii Siyaasadeed, ayaa ku siqayay figtii ugu saraysay, kala qaybsannaanta aragtiduna waxay ahayd mid iscelcelisa, markii uu Koonfur Afrika ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal (Illaahay ha u naxariistee).

Lama filaan-nimada geeridii xaqa ahayd oo iyana werwer guud lahayd, kadib sidii degdegga ahayd ee talada loogu wareejiyay Ku-xigeenkiisii, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynaha hadda ee Somaliland ayaa jawigii cakirnaa wax weyn ka beddeshay. Markiiba waxa xaraaradooda dejiyay Salaadiintii shirweynaha Qaran ku baaqayay iyo siyaasiyiintii la ologga ahaa. Waxa dumay gidaarkii wada-hadalka ku oodnaa, haddii mar la wada-hadlana sida qaalibka ah waxa yimaadda is-faham, taasina waxay horseeday in isbahaysiga mayalkiisu adkaa ee ASAD oo hore u qaadacay hannaanka doorashada isagoo taageersannaa baaqa Salaadiinta ee shirweynaha Qaran uu is-diiwaangeliyo. Isla markaana waxa abuurmay oo is-diiwaangeliyay urur-siyaasadeed cusub oo aragtida hoggaankiisu ahayd mid dhexdhexaad ka ah khilaafkii murugsanaa ee u dhexeeyay Xukuumadda iyo Mucaaridka, bilihii u dambeeyay nolosha Madaxweynihii hore.

Isbeddelka nabadgelyo ee dastuuriga ah oo dhinaca beesha Caalamka macne weyn sameeyay ka sokow, horumarkan iyo isu soo dhowaanshahan Siyaasadeed, waxa uu salka ku hayaa dhawr qodob oo waaweyn oo ay ka mid yihiin; baxnaannada hoggaamiyaha cusub, xeerin dhaqan iyo debacsanaan daacadnimo, iyo ballanqaadyo wax ku ool ah oo uu sameeyay Madaxweyne Rayaale, maalmihiisii u horeeyay kursiga ee uu la kulmayay Mucaaridka.

Ma cadda, si gun ahna looma oga waxa intaa dhaafsiisan ee la isugu minguuriyay ama lagaga heshiiyay Mawqifyadii kala durugsannaa ee laga taagnaa geeddiga Somaliland. Waxaase meesha ka baxay aragtidii Shirweyne Qaran, waxaana cagta la wada saaray jidka doorashooyinka asxaabta badan, iyadoo toddobaadyadan u dambeeyay xawli laxaad leh lagu dhaqaajiyay ololaha Asxaabta.

Waxa kale oo afka oodda laga saaray, si degdeg ahna loo curdin dhadhiyay haasaasaha muddo-kordhin la rajeynayay in hoggaanka cusubi uu ku tala-jiro inuu dalbado, taas oo ahayd mid gar macquul ah loo arkayay.

Marka Haddaba laga yimaado, dareen si hoose u soo baxaya oo sheegaya in doorashada ugu horreysa ee dawladaha hoose oo loo muddeeyay bisha Oktoobar ee soo socotaa ay tahay mid tijaabo ah oo uu Madaxweyne Rayaale ugu qiil-banaysanayo muddo-kordhin ilaa ay dhacayaan labada doorasho ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo aan iyaga weli wakhtigooda la cayimin, waxa muuqata in ay soo oodmeen dhammaan-ba aragtiyihii iyo tallooyinkii barbaryaallay doorashada hannaanka xisbiyada badan, ama “Nin iyo Codkiisa.” Waxa lagu jiraa geba-gebada muddo-kordhintii u horeysay ee sharcigu oggolaa, taas oo sintay ama wakhti isku dhow ka dhammaanaysa saddexda Gole Qaran, halkii kordhinta ka hor, Golaha Guurtidu uu baaqi noqonayay hal sanno. Sidaa darteed, waa in ay dhacdaa doorashadu, muddada hadhay gudaheeda. Ha dhacdee, jidka keliya ee inoo furani ma yahay mid badbaado oo lagu nabadgeli karo? Mase lagu guuleysan karaa?

Inkasta oo tallaabooyin dhiir-dhiiran la qaaday ilaa hadda, dad badani u darban yihiin doorashada, shuruucdii iyo shuruudihii muhiimka u ahaanna badankooda la fududeeyay, haddana ma werwer la’a marka si dhab ah la isu barbar-dhigo faa’iidada laga eegayo iyo khasaaraha ka iman kara iyo weliba guusheeda iyo fashilkeeda.

Waxaynu haysanaa shan bilood oo keli ah, haddii ururadu ku wada-qancaan qaabka guddida doorashadu ku tala-jiraan in tirakoobka cod-bixyayaasha lagu sameeyo goobaha cod-bixinta u horreysa, Gobolka Sool ee lagu muransan yahay Maamulkiisa hadda la abqaalayo, muddadaa kooban ma tamarin karaa, dadkeeduna ma ugu diyaar garoobi karaa doorasho? Mise sida Aftidii Dastuurka ayay noqon doontaa?

Inta aan taaba la gaadhin koritaanka iyo bislaynta ururada Siyaasadeed, ayaa ah hawl aan la fudaydsan karin. Ururadan oo kuwa ugu da’da weyni gu’ jir yihiin, waxay ku dhismeen xaalad saawa-saawe ah oo jibo iyo yaan lagaa tegin ah, sees adagna aan lahayn. Khilaafkii gudeed ee dhawaan kala dhambalay urur ka mid ah, kuwa ugu laxaadka weyn ururada SAHAN, kaas oo baajiyay Shirweynihiisii, ilaa haddana ku kala maqan “Car iyo Wirtii” madasha shirka la isku mari waayay. Burburka ururka ILAYSKA ka dhigay saddexda fariiqo oo mid waliba ILAYS gaar ah sito, iyo UDUB laftiisa beryahan dambe guux hoose laga sheegayay, ayaa lagu tilmaami karaa astaamo laga saadaalin karo khatar ka iman karta qaan-gaadh la’aanta ururada gudahooda oo haddii murankoodu sii murgo qaabayn kara kooxo iska soo horjeeda oo loo maara waayo, iyada oo ay lama huraan tahay in khilaafka iyo loollanka hadda taagan, hoggaaminta urur uu gaadhi doono bulsho-weynta ama la qiyaasi karo baaxadda uu khilaafka, muranka iyo kala-qaybsannaantu yeellan doono, marka degmo yar oo sabool ah ay iska soo sharaxaan sagaal nin oo isku beel ah, ama beelo kala duwan ah, kuna tartaman. Waxa khilaafaadka noocaas ah, khatar iyo dab sii huriya u ah hubka shicibka gacanta ugu jira.

Dhinaca kale, Madaxweyne Rayaale, ayaa u muuqda inuu durba luminayo kalsoonidii iyo aamminkii ay mucaaridku ugu soo joogsadeen, kadib markii uu toddobaadkan bilaabay inuu dib boodhka uga tumo ururka Xukuumadda ee UDUB, isla markaana uu caddeeyay inuu isagu musharax Madaxweyne u yahay ururkaas, waxaana markiiba ku kulmay weeraro kaga yimi ururada waaweyn ee Mucaaridka. Madaxweyne Rayaale, soo-jiidashadiisii Mucaaridka waxa loo fasirtay inuu dhisayo dawlad dhexdhexaad ah, ama loo dhan yahay oo dalka dhaafisa marxaladdan. Waxa kale oo la filayay, aadna loogala hadlay in uu dhexdhexaad u noqdo ururada Siyaasadda, UDUB iyo dawladdana uu kala saaro, taas oo qayb-weyn ka ahayd arrimihii ay isku hayeen Mucaaridka iyo Madaxweynihii hore. Laakiin, waxaas oo dhammi waxay noqdeen af-gobaadsi, ciyaartuna waxay u muuqataa in ay halkeedii ka bilaabanto.

Ma aha runtii, hungo iyo bar-kuma-taal doorashada xorta ah. Waa imtixaan, haddii aynu ku najaxno laga rajeynayo guriga samo in aynu ku degno. Waxa ugu weyn ee aynu ka filaynaa, waa in beesha Caalamku ina siiso aqoonsiga diblomaasiyadeed ee Somaliland 11-ka sannadood baadi doonka ugu jirtay. Waxana la dareensan yahay in arrintan doorashooyinka ay si weyn u dhiiri-gelinayaan saaxiibadda Somaliland ee dibadda iyo dalalka reer galbeedka qaar ka mid ah oo waxooggaa u qushuucsan dimoqraadiyadda ka soo ifaysa gobolkan yar ee ku yaalla Geeska Afrikada faraha lagaga gubtay. Ma hubo in dhiirintaas iyo boorintaas oo dhammi tahay nasteex, marka aan ogahay sida beesha Caalamku u hagratay Somaliland iyo sidii ay layaabka iyo qaadan-waaga ugu noqotay in dalkan iyo dawladiisu ka soo hadheen Madaxweynihii geeriyooday oo sagaalkii sannadood ee uu ka talinayay ay beesha Caalamku u arkayeen hoggaamiye-kooxeed keligii goostay gobolkaas. Sidaa darteed, waxa laga yaabaa in, in badan oo beesha Caalamka ahi ay u danaynayaan doorashada in ay tahay tajriibadii u dambaysay ee Somaliland quruskeeda meel la iskaga dhigi lahaa ama ay kaga mid noqon lahayd xaaladda Soomaaliya.

Waxayna iila muuqataa in ay badiba Reer Galbeedku quuddaraynayaan dhinaca rajada xun leh, maadaama hannaanka Somaliland yahay mid madaxbannaan oo aanay haba-yaraatee, wax talo iyo tilmaan ah ku lahayn iyagu, kuwaas oo lagu yaqaano in aanay raalli ka noqon wixii aanay gacantooda ku samayn.

Si kastaba ha ahaatee, marka la eego duruufahaas badan, waxa la is-weydiin karaa ma laga baqe-qabaa in wadiiqadan keliya ee aan haysanaa ay inaguna af-beesho sursuur oodan? Mase loo taag hayaa khasaaraheeda, ilayn khayr wax kaama dhibo’e? Runtii waa mid ay tahay in xisaabta lagu darsado, iyadoo la ogyahay in doorashooyinka noocani ay yihiin kuwo daafadoodu ay gilgisho qaramo jirid adag, inta badana ay ku fashilaan qaramada taagta daran ee dunida saddexaad. Somaliland oo ah dal aan la aqoonsanayn oo taag yarna, waa ka sii xag-jiraa, waxayna iila muuqataa khamaar in aynu dhiganay Somaliland, kaas oo ah “Xarash iyo Madax” midna aynu ku helo Qaran-nimada Somaliland, ka kalena la inagaga helo. Marka ilaa xadkee ayaynu isku hallayn karnaa khamarkaa in aynu ku helo. Waxay ila tahay in aanay haboonayn in lagu degdego khamaarka noocaas ah, ama si feejigan oo caynaano leh loo galo.

Nin Alle-ka-kood ahaa, ayaa isna laga hayaa “Kitaab Alle dantay ma oga.” Anigoo aan ka dayrinayn doorashooyinka oo hadda ah jidka keliya ee la isku raacsan yahay, haddana waa in Maskaxda lagu hayaa in beesha Caalamka ee “Ballagga inoo heshay” aanay danteena ogeyn. Sidaas darteed, dhiiri-gelintooda waa in laga hormariyaa talada iyo tawfiiqda gudahee dalkeena.

20 October: Sannad-Guuradii

30-aad Ee Qorista Af-Soomaaliga

Somaliland TimesFrom Alexander Book

Af-Soomaaliga oo ka mid ah afafka laysku yidhaahdo Kushitiko, ee Geeska Afrika, waxaa cad in lagu hadli jiray kumanaan kun oo sano ilaa xiligii Faraacida Masar iyo Roomaaniyiintii oo xidhiidh la lahaa Soomaalida, laakiin Af-Soomaaliga iyo xaddaaraddii Kushates-ka oola sheegay in ay lahaan jireen af qoran, weli taariikhdu ma ay caddayn halka ay ku dambaysay xaddaaraddaasi qadimiga ahayd. Xidhiidhka Soomaalida iyo Kushatis-ka waxaa caddaynaya xabaalaha loo yaqaan Araweelooyinka oolaga helo alaabooyinka oo qofka lala aasay.

Laakiin Af-soomaaliga oo la isugu gudbin jiray qarniyo badan sheekooyin iyo gabayo uu jiilba jiil u gudbiyo, waxaa uu waa cusubi u beryay 20-kii October, sannadkii 1972, kadib markiiay diyaarad Helicopter ah oo ka qayb-qaadanaysay dabaal-deggii sannad-guuradii 3aad ee inqilaabkii ay militerigu ku qabsadeen xukunka Soomaaliya, u daadisay dadkii isugu soo baxay waddooyinka magaalada Muqdisho warqado midab leh oo ay ku qoran tahay far cusub oo aan ahayn tii ay akhriyi yaqaaneen tiro yar oo ah dadka wax bartay ee afafka; English, Talyaani iyo Carabiga.

Maalintaa iyo habeenimadii 20 October 1972, dad badan oo qaatay waraaqihii ay diyaaradu daadisay may akhriyi karayn, kuwii afafka kale yaqaanay cudhooda waqti ayay ku qaadatay inay kiciyaan.

Nidaamkii maamul ee ka jiray Somaliland, kahor 26 June ee Ingiriiska ayaa ka dhigay Afka Ingiriisiga kan Maamulka dawladda, halka Muqdisho uu Afka maamulku ka ahaa Af-Talyaani, maadaama aanu jirin qoraalka Af-Soomaaligu midowgii Somaliland iyo Soomaaliya ee 1 July 1960. mushkiladda ugu weyn ee soo baxday waxay ahayd ka uu noqonayo Af Maamulka Midowga dawladda cusub, sidaas darteed qoraalada dawladda iyo Maamulka waxaa lagu qori jiray labada af ee Talyaaniga iyo Ingiriisiga.

Baahida afkii midayn lahaa Maamulka Soomaalida ayaa keenay in loo baahdo qoraalka af-Soomaaliga, laakiin farta lagu qorayo ayaa aragtida lagu kala duwanaa, dad ayaa rumaysnaa in lagu qoro Af-soomaaliga farta Carabiga, maadaama malcaamadaha ay carruurta Soomaalidu yaraanta wax ku bartaan, laakiin Af-Carabiga oo aan lahayn shaqalada (AA, EE, II, OO, UU) (A, E, I, O, U), wuxuu noqday mid aan ku habboonayn Af-soomaaliga in lagu qoro. Dhinaca kale, dadka Soomaalida ah oo ku nool gobollo ay maamuleen intooda badan (Talyaani, Faransiis iyo Ingiriis), oo dhammaan farta ay wax ku qoraan tahay (Latin), ayaa siisay doorashada farta Latin-ka ah in lagu qoro Af-soomaaliga.

Markii ay soo baxday farta Af-Somaaliga oo ku qoran Latin-ku, waxay musheekhda diinta ee raacsanaa in Af-soomaaliga lagu qoro farta Carabigu, waxay qoraalo ay kaga horjeedaan arrintaa ku qoreen (Latin) waa (Laadiin).

ITOOBIYA: Waayaha Cunnista

Iyo Ka Ganacsiga Calleenta Qaadka

Sannadihii 1999 – 2000, Itoobiya waxa ka soo galay Ganacsiga Qaadka 60- milyan oo Doollar

Warbixin -  Nita Bhalla

Awaday, Bariga Itoobiya (BBC): Cunista caleenta Geedka Qaadku, waa ka caan Gobolka Geeska Afrika, laakiin Bariga Itoobiya Qaadku waa ganacsi ballaadhan iyo arrin ay aad uga werwersan yihiin Masuuliyiintu waxyeeladiisa caafimaad iyo tiisa dhaqaale ee uu dadka u geysto.

Gobolka Hararge ee Itoobiya, way dhib badan tahay sida dadka looga dhaadhiciyo waxyeelada Qaadka. Gabadha war-bixintan qortay Nita Bhalla oo BBC uga soo waranta Itoobiya oo ka waramasay, sida qaadka loogu iibiyo magaalada Awaday ee Bariga Itoobiya, waxay tidhi; “Suuqa Awaday, sawaxanka ganacsatada qaadka iibinaysa ee uu mid waliba ku dhawaaqayo qiimaha badeecadiisa, buuqa iyo xamaasadda ganacsi ee ay ku dalbanayaan Afka Oromada ee deegaankaas, laguna kala iibsanayo caleenta cagaaran ee qaadka (KHAD), waxay keentay in 25,000 kgs oo qaad ah maalin walba laga iibsado suuqaa qaadka ee Awaday.”

Axmed Mukhtar oo ka mid ah, Ganacsatada Awaday ee qaadka ganacsigaa ku soo jiray sannadihii tegay, ayaa sheegay inuu maalintii iibiyo (200kg) oo qaad ah, qaadkana uu u kala diro Addis Ababa, Kililka 5aad ee Soomaalida Itoobiya iyo dalal dibadda ka ah Itoobiya, waxaanu intaa ku daray inuu Qaadku yahay laf-dhabarta dhaqaalaha ee Gobolka Hararge ee Itoobiya.

Nita Bhalla, waxay intaa ku dartay marka la is-bar-bar dhigo beeraleyda qaadka iyo beeraleyda kale, waxaa muuqata in beeraleyda qaadka beertaa ay ka nolol wanaagsan yihiin beeraleyda kale oo ay leeyihiin guryo wanaagsan iyo baabuur.

Gobolka Hararge, cunista qaadka ee xilliga aanu qofku shaqaynayn, waa ka dhaqan. Sannadihii 1999 – 2000, Itoobiya waxaa ka soo galay Ganacsiga qaadka $ 60 milyan, sida ay sheegtay warbixin ay qortay Hay’adda (UNEVE) ee gargaarka degdegga ah ee Itoobiya.

Qaadku wuxuu abuuray shaqooyin badan dhinaca Gobolka Hararge ee Itoobiya, sida; Beerista, Goynta, Kala-soocida, xidh-xidhista, Rarista iyo Dejinta.

Jiridda Geedka Qaadka, ayaa loo isticmaalla ood ahaan, sababta oo ah isagoo adkeysi u leh aboorka. Dadka deggen gobolka Hararge qaarkood, waxaa kale oo ay rumaysan yihiin in qaadka loo isticmaalo dawo ahaan oo lagu daweeyo cudurrada Jabtida, Xiiqda, Xumadda iyo Qufaca wada socda.

Cali Maxamed, ayaa isagu hadda beerayay muddo shan sannadood ah qaadka, isagoo markii hore beeran jiray dalagyada la cuno, sida; Hadhuudhk, Arabikhida iyo Teff, wuxuuna sheegay in qaadku uu u baahan yahay roob ka yar ka ay u baahnaayeen dalagyada hore ee uu beeran jiray, sidaa darteed uu isagu ka mid yahay beeraleyda saboolka ah ee Hararge in beerista Qaadku ay caawinayso.

Itoobiya qaadka, waxay u dhoofisaa dalalka Djabuuti, Soomaaliya, Britain, waana kan labaad ee waxyaabaha ay Itoobiya u dhoofiso debadda ee ku xigga Bunka.

Marka laga tago dakhliga uu qaadku soo geliyo iyo dhaqanka cunista qaadka ee ay dadka ku nool Gobolka Hararge ee Itoobiya, haddana Maamulka Gobolka Bariga Itoobiya ma taageersana arrintaa, waxaanu rumaysan yahay inuu qaadku waxyeelo u leeyahay bulshadooda, isagoo wakhti badan ay dadku ku lumiyaan cunistiisa, taas oo keenta ma shaqaystanimo. Sidaas waxa ku doodday Mudane Mustafe oo ka tirsan Maamulka Bariga Itoobiya, waxaanu intaa ku daray Mustafe oo uu yidhi; “Waa in aanu beddelaa dhaqankan oo aanu ku beddellaa dalag kale oo leh dakhli.”

Dhinaca Hararge, Soomaalida iyo Canfarta wixii ka dambeeya xilliga qadada, socodka shaqadu ma aha inta badan toos, sababta oo ah, waa xilliga qayilaadda loo fadhiyo oo sameyn ku yeelatay. Qaadku waa ka mamnuuc dalalka Maraykanka iyo Kanada, laakiin dawladda Itoobiya siyaasad cad kama leh arrinta qaadka. Dawladda dhexe ee Itoobiyana, waxay arrintaa u dhaaftaa maamul-gobolladeeda ee ay Ganacsiga iyo cunista qaadku aqlabiyadda ku leedahay.

Gobolka Tigray ee Itoobiya oo laga mamnuucay beeristiisa, la iskuna dayay in lagu beddelo dalagyo kale oo iib fiican leh, sida; Bunka. Barnaamijkaasi, wuxuu noqday mid aan lagu guulaysan.

Warbixintan iyo wareysiyadan oo ay soo samaysay Nita Bhallo oo BBC-da ka tirsan, waxay intaa ku dartay in go’aan degdegga oo laga qaado arrinta qaadku midho-dhal ahayn, ka hor cilmi-baadhis dheer iyo la-tashiyo beeraleyda beerta Qaadka lala sameeyo mooyaane.

FAHAMKA CAAFIMAADKA

Cumar Daahir Cumar

HIV/AIDS: Digniin culus oo loo soo jeeidyay shacbiga Somaliland

Dood iyo ra’yi is-weydaarsi ay muwaadiniin iyo martiyiba ka soo qaybgashay dabo-yaaqadii toddobaadkii hore, oolagu qabtay Akademiyadda Nabadda iyo Horumarinta, xarunteeda Hargeysa, ayay ka soo qaybgalayaashii ka soo qaybgalay aad ugu guuxeen markii Mr. David Shinn, oo ah Diblomaasi xeel-dheere ku ah arrimaha Geeska Afrika uu ereyadiisa hadalka ku soo darsaday, digniin iyo farriin uu u soo jeediyay shacabka reer Somaliland. Taas oo ku saabsanayd in ay reer Somaliland tallaabo adag oo kahortaga ka qaadaan cudurka Aids-ka, sidii ay uga badbaadin lahaayeen shacbigooda, Waxaanu yidhi Mr. Shinn; “Hadda Somaliland Aids-ku wuu kaga yar Yahay dalalka kale ee Afrika, laakiin haddii aan si adag wax looga hortegin sidaa ahaan mayso.”

Mr. David Shinn, wuxuu ka mid Yahay urur madax-bannaan (NGO) oo la yidhaa (People to People), kaas oo ka hawlaglaay wax ka qabad cudurka Aids-ka ee Itoobiya muddo 3 sannadood ah.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil, oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Bulshada ee Somaliland, ayaa iyana halkaa ka soo jeedisay khudbad ku saabsan, in si wadajir ah looga wada hawlgalo Somaliland kahortagga waxyeelada cudurka Aids-ka, waxayna tidhi; “Cudurka Aids-ku, waa cudur halis ah oo aan ahayn mid ay waxyeeladiisu fududahay.

Marwo Edna, waxay dadkii ka soo qaybgalay kulankaas u soo jeedisay in ay dhammaantood saaran tahay mas’uuliyad waajib kaga dhigaysa ina y iyagu yihiin kuwa ugu horreeya ee mudan inay qaadaan tallaabooyinka ugu horreeya ee ay dadka kale ee Somaliland tusaalaha u noqon lahaa, si looga hortago halista cudurka dilaaga ah ee Aids-ku uu ku keeni karo shacbiga reer Somaliland, maadaama ay yihiin mas’uuliyiin iyo aqoonyahano.

Marwo Edna, waxay intaa ku dartay in sida loo qaado cudurka Aids-ka ay fududahay marka la eego sida ay dadkeenu u qaadaan cudurka laga qaado galmada ee loo yaqaan Jabtida. Waxaanay tidhi; “Halka Jabtida laga qaado ama Dukaanka iibiya Jabtida ayuunbaa iibiya Aids-kana.”

Marwo Edna, oo takhasuskeedu yahay hawlaha caafimaadka, horena muddo dheer uga soo shaqaynaysay hay’adda caafimaadka ee adduunka (WHO), waxay khudbaddaas ku muujisay in aan is diidsiinta jiritaanka cudurka Aids-ka ee degaanku aanu ahayn mid wax tar leh, iyada oo ka digtay in qofka qaba cudurkan Aids-ku isaga u muuqdo inuu caafimaad qabo, haddana uu qofkaasi Yahay mid sidda cudurka halista ah ee Aids-ka.

Wasiirada arrimaha qoyska iyo horumarinta bulshada ee Somaliland waxaa ku baaqday in mas’uuliyadda shaqsiyadeed, teeda xil iyo tan aqooneed ay waajib kaga dhigayso sida runta ah ee ay digniin culus uga bixiso kahortagga in cudurka Aids-ku ugu faafo Somaliland. Siduu ugu faafay dalal Afrika ah oo qaarkood ay la jaar yihiin Somaliland.

Mr.; David Shinn, ayaa isna sheegay in Itoobiya oo la jaar ah Somaliland ay tahay dalka labaad ee ugu badan tirada dadka qaba Aids-ka ee Afrika iyo Jabuuti oo la tiro-koobay dadka qaba cudurkaas, laakiin la filayo in heerka dadka qabaa uu sarreeyo.

Is-dhexgalka dadeed ee Somaliland ka dhexeeya dalalkaas ayaa uu ku tilmaamay ta muujinaysa halista in uu cudurka Aids-ku aad ugu sii faafo Somaliland. Haddii aan loo hawlgelin sidii looga hortegi lahaa.

WAADIGA CIYAARAHA

Saleebaan Gurey

Juventus Iyo Parma Oo Ku

Kulmaya Garoon Liibiya Ku Yaal

Xilli-ciyaareedka Talyaaniga oo ku bilaabmaya Super Cup

Milan (Reuters):- Horyaalka Talyaaniga (Juventus) iyo kooxda haysata koobka koobabka Super Cup-ka oo bilow u noqonaya xilli-ciyaareedka Talyaaniga oo laba toddobaad dib loo dhigay, kulankaasina waxa uu ka dhacayaa goob aan hore caado ugu ahaan jirin qabashadiisa oo ah garoon ku yaala Tripoli, dalka Liibiya.

Ciyaartani waxay ka dhici jirtay dalka gudihiisa toddobaad keliya kahor bilowga horyaalka dalka. Hase yeeshee, dalab uga yimi madaxda Liibiya darteed ayay madaxda tartanka Talyaanigu oggolaatay in markii labaad bandhig ciyaareedkaa lagu qabto goob dalka ka baxsan.

Sannadkii 1993, ciyaartii dhexmartay AC Milan iyo kooxda Torino ayaa lagu ciyaaray Washington DC.

Go’aankii Salaasadii la soo dhaafay dib loogu dhigay bilowga xilli-ciyaareedka Talyaaniga 15-ka bisha September, taas oo hadda ka dhigaysa in muddo saddex toddobaad ah dib loo riixo kulamada kooxaha sabab dhaqaale darteed.

Ujeedada laga leeyahay kulanka muhiimka ah ee ka dhacaya Tripoli oo aan hore u dhicin, waxay u muuqataa mid la isugu diyaarinayo xiili-ciyaareedka Libya, taasina waxay calaamad u tahay sida hoggaamiye Qadaati u doonayo horumarinta dalkiisa iyo sidii mar labaad bulshada caalamku u aqbali lahayd.

Eheladda Qadaafi ayaa dhowaan muujisay siday uga go’antahay horumarinta kubadda cagta oo ka qaybqaadan karta sidii ay dunida ula jaan-qaadi lahaayeen.

Dawladda Libiya ayaa gacan ka geysatay tallaabo lagu horumarinayo ciyaaraha shirkadda maal-gelinta shisheeyaha ee Libya (LAFICO), ayaa ka mid noqotay mulkiilayaasha Juventus, kadib markii ay toddoba iyo badh (7.5) boqolkiiba iibsatay.

Wiilka uu dhalay Qadaafi Al-Sacdi ayaa noqday qofka ugu caansan ee aad looga yaqaan kubadda cagta Talyaaniga, tan iyo intii uu heshiiskaa soo xidhay. Wuxuu ka soo baxaa shaashadaha Telefishanada iyo xataa xarunta tabobarada Juventus.

Al-Sacdi, waa ciyaartoy hibo ku leh kubadda cagta, wuxuuna u saftaa qaranka Libya, iyo kooxda ugu sarraysa dalkaas ee Al-Itixaad.

Kooxdan ayaa dhawr goor kulamo saaxiibtinimo ugu tagtay kooxo Talyaaniga ah, iyada oo shirkadda (LAFICO)-na ku talo-jirto in ay dhawaan maal-gelin kale ku samayso kooxaha derejada hoose ee Talyaaniga.

Caa’iladda Qadaafi, waxa kale oo wada-hadla u scodaa mid ka mid ah kooxaha Greece (Giriiga).

Al-Sacdi, waxa kale oo uu dhowaan caddeeyay in hunguri weyni ka hayo martigelinta koobka adduunka ee 2010, oo lagu wado in Afrika martigeliso.

Tallaabadaasi waxay qayb laxaad leh ka qaadanaysaa fayditaanka cuna-qabatayn dalkaas Qaramada Midoobay oo soo fududaanaysa tan iyo sannadkii 1999.

Kulanka maanta oo ay isku haleelayaan labada kooxood ee magaca ku leh ciyaaraha Talyaanigu, waxay ka dhacayaan garoonka Caasimadda Tripoli oo qaada 70,000 oo qof.

Kooxdas Juventus, kulankaa waxaa ka fadhiyiya gooldhaliyaha David Trezeguet oo dhaawacan, balse tabobare Marcello Lippi waxaa u qorshaysan inuu safo Marcelo Salas oo ka maqnaa badiba ciyaarihii ugu dambeeyay xilli-ciyaareedkii kal-hore sabab dhaawac darteed. Salas wuxuu ka gudub ciyaarayaa Alessandro Del Piero.

Liverpool Oo Hoggaan-Qaaday Horyaalka Bilowga Ah Ee Ingiriiska

London (Reuters) – Weeryahanka reer Senegal El Hadji Diouf ayaa xaqiijiyay in Liverpool horraan-qaado horyaalka bilowga ah ee Ingiriiska. Weeraryahanku wuxuu dhaliyay labadii gool ee ugu horreeyay kooxdiisa cusub o ku raaxaysayatay guusha ay ka gaadhay Southampton.

Kadib markii horumar ka muujiyay kulankii ay toddobaadkii hore kaga adkaadeen Aston Villa, Diouf wuxuu ku dhaqaaqay horumar kale, taas oo muujisay shaqada adag iyo farsamada fiican ee uu ku so bandhigay ciyaarta.

Ciyaartoyga kale ee wacdaraha muujiyay waxaa ka mid ah; Danny Murphy oo xaqiijiyay goolkii saddexaad oo rigoore ahaa dhammaadkii ciyaarta.

Kooxda Gordon Strachan, may muujin awoodii ay kal-hore lahayd, markaas oo ay afar dhibcood ka heshay labadii kulan ee dhexmaray.

Diuof, goolka hore wuxuu dhaliyay markuu dhanka bidix ka soo gudbiyay kubadda Emile Heskey, oo dumiyay difaaca, taas oo xiddiga Afrika goolka ku dhammaystiray.

Goolka labaad wuxuu dhaliyay, isla kubbad uu ka helay Heskey oo u soo qaddimay kubbad baas baas dheer ah oo uu ka helay Abel Xavier, taas oo uu docda ka sudhay bilowgii qaybtii labaad.

Markii la beddelay Diouf, ciyaarta oo 10 daqiiqadood ka hadhsan tahay, waxaa u dhacay sacab iyo taageero xaf-dhaaf ah oo ay ku soo dhaweeyeen taageerayaasha oo sida koron-korada isu dul-saarnaa garoonka Anfield.

Kooxda Southampton, weerarka ugu weyn waxaa hormood ka ahaa James Beattie oo dhawr goor khatar geliyay goolka Liverpool. Daqiiqadihii 16aad iyo 32aad ayuu halis geliyay, balse waxaa badbaadiyay goolhaye Jerzy Dudek.

Daqiqaddii ugu dambaysay ciyaarta, ayuu Murphy dhaliyay rigoore loo dhigay Liverpool, kadib markii Michael Bridges uu dhulka dhigay Bruno Cheyrou, oo beddel ku soo galay.

WESTHAM 2, ARSENAL 2

Weeraryahanka Sylvain Wiltord ayaa ku hagoogtay Arsenal, markii uu dhammaadkii ciyaarta u dhaliyay goolka ay kaga bad-baaday guul-darradii ugu horraysay ee ku dhacda 23 kulan oo horyaalka dalka ah.

Horyaalka Ingiriisku, waxay dib isu soo cannaanatay markii Joa Cole iyo Freddie Kanoute u dhaliyeen 2-0 ay Westham ku horrayso. Balse Thierry Henry, ayaa rajo geliyay Arsenal, sidoo kale weeraryahanka Faransiiska ah ee Wiltord ayaa u calool-qaboojiyay, iyada oo laba daqiiqadood ka hadhay waqtigii ciyaarta.

Natiijadani waxay caddaynaysaa in Arsenal ku guul-daraysatay in ay dhigto rikoodh cusub oo kubadda cagta ah, kaas oo noqon lahaa kii 15aad oo xidhiidh ah, balse hadda la hakiyay.

Hase yeeshee, tabobare Arsene Wenger, wuxuu ku faraxsan Yahay dib-u-diyaargarowga xilli-ciyaareedkan oo uu filayo inuu derejo sare ka gaadhayo, iyada oo aan markeliya laga badin.

Labada dhaliye ee ay isku waddanka yihiin tabobare Wenger, ayaa ku dhaqaaqay horumarka ay ka gaadheen laba-kaclaynta Arsenal qaaday. Tallaabadaa waxaa u sahlay Kanoute oo filayay in kulanku noqdo maalintii ugu fiicnayd, haddii aanu lumin rigoore qaybtii dambe Westham heshay.

Taas oo natiijada ciyaarta ka dhigi lahayd 3-1, wuxuu wiiqay dedaalkiisii uu ku dhammaystiri lahaa guusha kooxdiisa oo dhinaca kale ka faa’iidaystay.

Goolhayaha Arsenal David SeaMan, ayaa badbaadiyay fursadda uu keenay Joe Cole oo uu dhulka dhigay Ashley Cole.

MANCHESTER CITY 1, NEW CASTLE

Kooxda Manchester City, ayaa soo bandhigtay weeraro ay horumar kaga gaadhay inay garaacdo Newcastle, taasina waxay noqotay guushii ugu horraysay ee u gaadho tabobare Kevin Keegan xilli-ciyaareedkan.

Ciyaartoygii hore ee Newcaslte Darren Huckerby, oo kooxda ka tegay markii la iibiyay ayaa kubbad cidhiidhi ah madaxa ku dhaafiyay.

Manchester City, waxay gashay difaacii ugu adkaa ee weligeed, laakiin Peter Schmeichel, ayaa isna soo bandhigay dedaalkiisii ugu sarreeyay.

Toddobaadkii tegay, Keegan wuxuu la kulmay khasaare kaga dhacay dagaalkii dhexmaray Leeds oo 3-0 ku dul-martay.

Bobby Robson, waxaa u fuli waayay tallaabooyin badan oo uu ku doonayay horumar dhanka gooldhalinta ah.

Isniintii hore ayay Newcastle si xun uga adkaatay Westham.

MIDDLESBROUGH 2 – FULHAM 2

Fulham labada gool ee ay dhalisay ayaa beeniyay natiijadii ay ku hamiyaysay oo barbaro ka dhigtay kulankii Middlesbrough, oo Massimo Maccaroni u dhaliyay laba gool oo rajadeeda kor u qaaday.

Kooxda martigelinta lahayd, waxay isu dhigtay in ay si xarrago leh u garaacayso, kuna raaxaysan doonto labada gool ee Maccaroni. Hase yeeshee, waxay rajo yari gashay, markii daqiiqaddii 89aad uu goolka hore u dhaliyay Seas Davis, iyada oo ay sarajooga ku daateen taageerayaashu, markii Argentiniga Facundo oo beddel ku soo galay uu ka faa’iidaystay naxdin-gariir ku dhacay difaaca Boro, oo ku toosi waayay inaanay dhibcaha la qaybsan kooxda London.

Kulamadii kale ee dhacayna waxay ku dhammaadeen sidan;

Birmingham 0, Blackburn 1

Bolton 1, Charlton 2

Sunderland 0, Everton 1

Tottenham 1, Aston villa 0

Chelsea 2, M. United 2

Degmada Gebilay Oo Isu

Diyaarinaysa Ciyaaraha Gobollada

Degmada Gebilay ayaa lo oggolaaday ka qaybgalka tartanka ciyaaraha gobolada dalka oo aan la hubin waqtiga ay rasmi ahaan u furmayaan.

Siday sheegeen guddida ciyaaraha degmada Gebilay, waxay fursada oggolaanshaha ka heleen Maamulka wasaaradda ciyaaraha Somaliland, oo sida la sheegay dhawaan booqday xarunta degmada. Garoomada laga ciyaaro noocyada kala duwna ee tartamada, waxaa ka muuqda olole iyo dhaq-dhaqaaqyo la isugu diyaarinayo ka qaybgalka tartamada kala duwan ee gobollada dalka.

Noocyada ciyaaraha la isu diyaarinayo, waxaa ka mid ah; kubadda cagta, kolayga, laliska, orodada iyo noocyo kale.

Degmada Gebilay, waxaa ka dhisan kooxo badan oo ciyaara noocyada ciyaaraha kala duwan, kuwaas oo leh heerar kala duwan, sida kuwa heerka koowaad, labaad iyo saddexaad.

Kooxaha kubadda cagta ciyaara ayaa ah kuwa ugu majiirsan, marka la eego kulamada ay degmadu ka qayb-qaadatay.

Ciyaartoyga Gebilay waxay wacdaro ka muujiyeen tartankii tijaabada ahaa ee ciyaaraha gobollada oo sannadkii hore la qabtay, halkaas oo ay kaalinta labaad ka galeen.

Mid ka mid ah tabobarayaasha kooxaha heerka koowaad ayaa weriyaha Haatuf ee Gebilay u sheegay in sannad kasta degmada lagu qabto tartan kubadda cagta ah oo ay ku loolamaan kooxaha kala duwan. Tartan kasta oo ka mid ah ciyaarahaasiba wuxuu socdaa muddo bil ah.

Degmada Gebilay, waxaa ka jira cabashooyin la xidhiidha agabyada adeegyada ciyaaraha kala duwan oo gabaabsi ku ah amaba qaarkood aanay ka jirin halkaa. Goobaha cabashada ugu badani ka jirto waxaa ka mid ah, garoomada ciyaaraha. Inkasta oo aanay tabashadani ku koobnayn Gebilay oo keliya, balse ay tahay dhibaato ka ka jirta dhammaan gobollada iyo degmooyinka uu ka kooban Yahay dalka Somaliland, taas oo u baahan in si guud wax looga qabto.