Haatuf, Cadadki 145, Aug.26, 2002

Wefti Maraykan Ah Oo La Kulmay Madaxweyne Rayaale

 

Hargeysa (Haatuf): Haweenay ka socota Golaha Senate-ka Maraykanka iyo Ninka Safaaradda Maraykanka ee Nayroobi u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Glenn Warren, ayaa booqasho xaqiiqo-raadis ah ku yimi dalka maalintii shalay.

Haweenaydaas Ms. Michelle Gevin, waxa ay kaaliye sare u tahay Senator Feingold oo ka tirsan guddi-hoosaadka Afrika u qaabilsan guddida xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee Golaha Odayaasha Maraykanka, waxayna booqashadeeda Somaliland qayb ka tahay socdaal xog-urursi ah oo ay ku marayso, qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Weftigu waxa ay xalay kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo xubno ka tirsan golihiisa, casho-sharaf ah oo loogu sameeyay Madaxtooyada.

Sida uu Haatuf u sheegay Af-hayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdi Idiris Ducaale kulankaa kadib, Madaxweyne Rayaale, waxa uu u jeediyay weftiga Maraykanka garnaqsi la xidhiidha qadiyadda Somaliland, waxana uu ka codsaday in loo baahan yahay in aan Somaliland lagu qaldin Soomaaliya, oo beesha caalamku ay ogaato in ay Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin laba dal oo kala duruuf ah. Waa in aan loo arkin ayuu yidhi Madaxweynuhu “In Somaliland ay tahay gobol ka go’ay dalkiisii hooyo,” isaga oo ka warramay in Somaliland iyo Soomaaliya ahaayeen laba dal oo iyagoo kala madaxbannaan midoobay, haatana ay Somaliland qaran-nimadeeda dib ugala soo noqotay, kadib xannuun badan oo ka soo maray taliskii Soomaaliya.

Waxa kale oo uu u dulmaray Madaxweynuhu, waxyaabihii u qabsoomay Somaliland 11-kii sannadood, burburkii soo maray iyo halganka ay weli ugu jirto sidii ay uga soo kaban lahayd burburkaas. Waxa kale oo uu uga warramay, sida beesha Caalamku ay u hagratay ee aanay Somaliland wax kaalmo ah uga helin.

Madaxweynaha waxa kala qayb-galay cashadaas, Madaxweyne- Ku-xigeenka Axmed Yaasiin, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Gees, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo Wasiirka Horumarinta Qoyska, Marwo Edna Aadan.

Wakhtigan oo Kongrayska Maraykanku fasax ku jiro, ayaa waxa dhaqan u ah in xilliga fasaxa guddidu wufuud u diraan dibadda, si ay u soo ururiyaan macluumaad ay ku saleeyaan ajandahooda kalfadhigga xiga, Ms. Michelle-na waxay ballan-qaaday, sida afhayeenku sheegay in ay xaqiiqada iyo xogta dhabta ah ee ay ka heshay socdaalkeedan ay u gudbin doonto guddida markay noqoto.

Weftiga Maraykanku, waxa ay muujiyeen xiiso gaar ah oo ay u hayaan doorashooyinka Somaliland isu diyaarinayso, waxayna isla shalay la kulantay Ms. Michelle Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Ms. Michelle oo booqashadeedu qaadanayso laba maalmood oo ku eg maanta, waxa ay ku soo beegantay wax yar kadib, iyadoo Maraykanku Muwaadiniintiisa faray in aanay tegin Soomaaliya, sababo nabadgelyo darteed, isla markaana waa markii labaad ee dad mudan oo Maraykan ahi ay yimaadaan Somaliland toddobaad gudaheed, iyadoo maalmo ka hor uu dalka ka dhoofay David Shinn oo ahaa Ambassador hore, taas oo loo arkay in Maraykanku uu Somaliland ka gaar yeelay Soomaaliya.

Burco Iyo Booqashada Weftiga UDUB

Weftiga UDUB miyaa loo diiday Guriga Martida

Burco (Haatuf):- Xog-hayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw Daahir iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay tegay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo si abaabulan loogu soo dhaweeyay.

Waa markii u horraysay ee ururka UDUB uu sameeyo dhaq-dhaqaaq noocan ah tan iyo markii uu geeriyooday guddoomiyihii hore ee ururkaasi, madaxweynihii Somaliland Marxuum Maxamed I. Cigaal, waxayna booqashadan Xoghayaha Guud qayb ka tahay ololaha doorashada ee uu ururkaasi bilaabay toddobaadkii hore, taas oo uu madaxweyne Rayaale si rasmi ah ugaga dhawaaqay shir aan caadi ahayn oo uu isugu yeedhay ururka.

Sida uu ku soo warramay weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Xoghayaha Guud, Mr. Cabdi Aw Daahir oo ay weheliyeen dhawr xubnood oo  ka tirsan golaha dhexe ee UDUB oo gobolkaa u dhashay, waxa ka hortegay oo soo dhaweeyay gaadiid door ah oo ay wateen taageerayaasha ururka.

Hase yeeshee, xoghayaha iyo weftigiisu waxay ku hungoobeen gurigii martida dawladda ee Burco oo markii ay magaalada gaadheen, halkaas oo uu weftigu doonayay inuu ku dego. Laakiin, qaddar yar kadib-ba weftigii way ka tageen gurigaas, waxayna degeen Hotel Gaba-xaddi oo ka mid ah Huteelada waaweyn ee magaalada.

Inkasta oo markiiba ay soo baxeen warar la isla dhexqaaday oo sheegaya Maamulka gobolku inuu u diiday weftiga in ay gurigaa dawladda degaan, maadaama ay yihiin urur la mid ah ururada siyaasadda ee dalka, ilaa iyo hadda ma cadda sababta weftiga UDUB ka walaacisay inay degaan gurigaas.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Cali Cabdi Hurre, oo weriyeyaha Haatuf wax ka weydiiyay sida wax uga jiraan arrintaas ayaa sheegay in aanay jirin wax loo diiday, laakiin waxaannu u sheegnay ayuu yidhi; “inuu buuxo gurigaas oo ay degan yihiin wefti ka socda golaha Guurtida oo booqasho ku jooga gobolka.” Isaga oo sheegay in guriguna uu yahay mid kooban oo afar qol ah.

Badhasaabka Togdheer, Mr. Hurre, waxa uu sheegay in guriga martida ee Burco ay u siman yihiin ururada siyaasada oo dhami, mid loo diidayaana aanu jirin.

“UDUB iyo xisbiyada kaleba way ku soo degi karaan guriga martida,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee UDUB, Dr. Cabdi Aw Daahir, ayaa sheegay gebi ahaanba in aanu isku deyin in uu dego guriga martida, qorshaha weftiguna uu ahaa in ay Huteel degaan.

“Kumaanu degin ee odayaal uun baan meesha ku salaamayay,” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir, oo ka jawaabayay sababta uu guriga martida uga guuray muddo yar gudaheed.

“Aniga iyo weftigayga waxaa noo qorshaysnaa inaan magaalada Huteel ka degno,” ayuu raaciyay.

Waxa kale oo uu caddeeyay in gurigaasi uu buuxay oo ay deggan yihiin odayaal Guurti ah.

Cabdi aw Daahir waxa uu sheegay in booqashadiisu ay tahay mid la xidhiidha ololaha doorashada ee uu bilaabay ururka UDUB, isla markaana weftigu uu u socdo soo xulidda musharaxiinta UDUB uga qaybgelaysa tartanka doorashada D/Hooe ee gobolka Togdheer.

Sida uu dhigayo xeerka UDUB musharrixiinta golaha degaanka, waxa lagu dooranayaa shirweynaha heer gobol ee ururka, kadibna waxa loo gudbinayaa golaha dhexe.

“Boqolkiiba sagaashan (90%), ayaan qabaa inaanu ku guulaysanayno doorahsooyinka,” ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir, oo la wediiyay rajada uu ka qabo in ururkiisu ku guulaysto doorashooyinka.

“Waxaan ku rajo weynahay inaanu lixda gobolba ka soo baxno (doorashooyinka D/Hoose),” ayuu raaciyay.

Dr. Cabdi Aw Daahir, waxa uu sheegay in maalinta berrito (Salaasa) ay dadweynaha Burco kala hadli doonaan.

Lacag laxaad leh oo beryahanba la hadalhayay in dawladdu u sii daysay ololaha ururka UDUB, ayaa shalay laga dareemay magaalada Burco. Laakiin dad goob-joog ahi waxa ay sheegeen in soo dhoweyntii weftiga UDUB aanay ka muuqan mas’uuliyiinta dawladda ee gobolka iyo gaadiidka dawladda. Marka laga yimaado saraakiil hoose oo ka tirsan hay’adaha dawladda.

Ururada mucaaridka ayaa si ba’an ugu cambeereeyay madaxweyne Rayaale, inuu weli hantida qaranka u isticmaalayo ololaha UDUB, ururkana uu ugu malaamilayo sidii uu Yahay xisbiga talada haya, sidii xisbigii Hanti-wadaagga Kacaanka ee Siyaad Barre.

“Haddii Dhaqaale La Waayo, Waa

In Aan La Waayin Damiir Waddaniya”

Maayarka Sheekh

 

Sheekh (Haatuf): Maayarka Cusub ee degmada Sheekh, Maxamed Xuseen Ciise (Qamariye) oo horaantii bishan xilka kala wareegay maayarkii hore ee degmadaa, Cali Maxamed Geedi ayaa weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera, C/raxmaan X. Daahir oo dhowaan booqday degmada Sheekh uga waramay duruufaha degmadiisa ka jira iyo waxyaalaha uu ku talo jiro inuu ku talaabsado.

“Waxaan la kulmay xili adag oo ay dhaqaale la’aani ka jirto degmada” ayuu yidhi maayarku, isaga oo ka waramaya duruufaha uu la kulmay markii uu xilka la wareegay, wuxuuna intaa ku daray “Cashuuraha yar yar ee dawladda hoose soo galaa kuma filna hawlaha degmada, kabkii dawladda dhexe ay degmooyinka siin jirteyna wuu xu\idhan yahay, waxaanse markii iigu horaysay ee aan xilka la wareegay la kulmya dhammaan qaybaha kala duwan ee qaybaha bulshada Reer-Sheekha, kuwaas oo aanu ka wada hadalnay sidii talo wadaag looga yeellan lahaa, la isagana kaashan lahaa wax qabadka iyo horumarka degaanka”.

“Waxaan isugu yeedhay dhammaan odayaasha degaanka waxaana u bandhigay sidii ay gacan nooga siin lahaayeen adkaynta nabadgelyada iyo hawlaha wax qabadka iyo adeegyada bulshada”ayuu yidhi, maayarku, isaga oo sheegay inuu dhinaca kalena kulamo la yeeshay ururada ijtimaaciga ah ee degmadaa ka jira, sida ururka haweenka TAWAKAL iyo ururka kale ee la yidhaahdo ururka mutawaciinta VDO, wuxuuna maayarku sheegay in dhammaan dhinacyadii ay la kulmeen ay ka heleen jawaab dhiiri gelin ah oo ah inay gacan naga siinayaan hawlaha maamul iyo adeeg ee degmada. Laakiin maayarku, isaga oo ka hadlaya ilaa hadda waxa u qabsoomay wuxuu yidhi “Ilaa hadda waxyaalaha noo qabsoomay waxa ka mid ah olole nadaafadeed oo aanu ku qaadnay kawaanka iyo sariibadda hilibka, taas oo aanu dib ugu soo dabaal-nay dadkii meelahaa wax ku iibsan jirey, waxa kale oo aanu banaynay dhul dhererkiisu gaadhayo 420 Mitir, dhulkaas oo ah wadada magaalada Sheekh iyo tuullada Calaaculay”.

Duruufaha maamul ee degmada Sheekh dhex-yaal waxa ka mid ah shaqaalaha dawladda hoose oo la sheegay inaanay wax mushahar ah qaadan muddo ilaa toddoba bilood gaadhaysa, laakiin maayarka oo aan arintaa waydiiyey waxa uu yidhi “Waa run oo waxa uu shaqaalaha mushaharkoodu ka maqnaa inku dhow toddoba bilood, inkasta oo wixii xisaabaad ah sida gunnooyinka shaqaalaha iyo wixii dayn aanay weli xil-wareejintoodu I soo gaadhin”, laakiin maayarka mar la waydiiyey sida uu damacsan yahay inuu u maareeyo mushahar la’aanta shaqaalaha wuxuu yidhi “Horta hadii dhaqaale degmada laga waayo waa in la waayin damiir wadaniya oo ina dira, laakiin ku talo-galkayagu waxa uu yahay sidii aanu u kobcin lahayn dakhliga dawladda hoose, waxaanuna u hawl gelaynaa sidii aanu cashuuraadka ugu fidin lahayn degsiimooyinka debedda ka ah magaalo madaxda degmada, waxa kale oo uu ku talo-galkayagu yahay la dagaalanka qashinka iyo nadaafad xumada magaalada, sidoo kale waxa ku talo-galkayagu yahay sidii aanu baahiyaha bulshada ugu bandhigi lahayn Cidii aanu kala maarmin wayno, xukuumadda hadii ay tahay iyo hadii ay tahay hayadaha deeqda bixiya”.

“Waxa Wargeysku Qoray Waa Cay Iyo Been-Abuur

Xoghaya D/Hoose ee Berbera


“Wargeysku Inta Aad Qirtay Ka badan Ma Qorin”

Jawaabta Tifaftirka

Berbera (Haatuf): “Wargeyska Haatuf waxa lagu sugayaan inuu iftiimin iyo cadayn ka bixiyo waxa uu qoray” sidaa waxa yidhi, xoghayaha dawladda hoose ee Berbera, Rashiid Xasan X. Aadan oo jawaab ka bixinaya maqaalad uu wargeyska Haatuf ka qoray xaaladda magaalada Berbera, cadadkiisii soo baxay jimcihii 23-kii Ogost, 2002.

Qoraal saxaafadda loogu talo galay oo uu xoghayaha dawladda hoose ee Berbera, Rashiid Xasan kaga jawaabayo warka Haatuf ku soo baxay oo ahayd maqaalad oo uu weriye wargeyska ka tirsan oo Berbera booqday si kooban oo guud mar ah uga qoray xaaladda magaalada, wuxuuna xoghayuhu qoraalkiisa jawaabta ah ku bilaabay “Waxa cadadkii 143aad ee wargeyska Haatuf ku soo baxday war-bixin uu cinwaankeedu ahaa “xaaladda Berbera iyo maalmahan”.

Hadaba warbixintaa oo uu qofka qoray u muuqday shakhsi aan lahayn aqoon saxaafadeed oo bulshada maqaalkaa akhrisatay qancisa. Xaqiiqo ahaanna dhawr mawduuc oo uu ka hadlay midna si mug leh uma uu abaarin, taas oo muujinaysa inaanu xog buuxda ka hayn arimahaa amase aanu la kulmin cid u dhuun daloosha arimahaa oo siisa macluumaad dhamaystiran oo inta qalin iyo waraaq la isu qaado akhristayaasha loo gud-bin karo, tusaale ahaan arinta uu kaga hadlay markabka dekedda ku soo xidhay ee ganacsade Indhadeero bariiska u siday waxa uu tirada bariiska ku sheegay boqol kun oo tone (100,000 tone), balse waa toban kun oo tone (10,000 tone), inta kale waa wax qalinkiisa ku kooban.

Hadaba dhacdada ugu la yaabka badan ee bulsho weynta Reer-Berbera iyo dadka xog-ogaalka u ah arimaha dhulka Berbera ka yaabiyey waxa weeye arinta uu ku tilmaamay inay magaalada Berbera ka mid tahay meelaha ay mushkiladda muranka dhulku ka taagan tahay, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay dhul u dhow xaafadda Moosko oo la bixiyey iyo sidoo kale dhul badan oo ay dawladdu lahayd . Hadaba arintaas intaanan ka jawaabin waxaan u soo jeedin lahaa guud ahaan bahda saxaafadda in si gaar ah loo ilaaliyo sumcadda ay saxaafaddu ku leedahay bulshada dhexdeeda oo aan laga dhigin aalad wax majara habaabisa ama xaqiiqda si kale u dhigta. Waxa hadaba maamulka dawladda hoose ee Berbera uu u cadaynayaa bulshada Reer-Somaliland inay magaalada Berbera tahay goob aanay muranka iyo mushkiladda dhulku ahayd sida magaalooyinka kale ee dalkeenna.

Mudadii uu maamulkan hadda xilka hayeyna ma jirin haba yaraatee wax dhul ah oo la bixiyey, mana jirin isku dhacyo muran dhul ka abuurmay oo dhaafsiisan meel laba dhinac isku qabteen oo waqtiyo hore la bixiyey . Dhinaca kalena waxa uu sheegay in dhul badan oo dawladdu lahayd la bixiyey, taas oo ah cay iyo been abuur lagula kacay maamulka dawladda hoose ee Berbera oo aanay arintani dhaqan u ahayn, waxaase guud ahaan-ba wargeyska Haatuf, gaar ahaanna qoraagii arintaa sheegay shacbi iyo maamul-ba laga sugayaa inuu iftimiin iyo cadayn ka bixiyo arintaa, hadiise uu wargeyska Haatuf cadadyadiisa dambe ku xaqiijin kari waayo,hadalkaasi waa fool-xumo iyo sumcad daro dusha u saaran, taas oo luminaysa kalsoonidii akhristayaasha” ayuu xoghayaha dawladda hoose ee Berbera, Rashiid Xasan X. Aadan, ku soo af-jaray qoraalkiisa.

Jawaabta Tifaftirka

Xoghaye adiga oo mahadsan, marka hore xaq baad u leedahay inaad jawaab ka bixiso arimo laga hadlay oo si toos ah ama si dad-ban kuu khuseeya, sidaa darteed wargeysku wuu soo dhowaynayaa jawaabta aad ka bixisay warbixintii uu wargeysku ka qoray magaalada aad madaxda ka tahay ee Berbera, laakiin marka la eego lah-jadda aad u isticmaashay qoraalkaaga iyo waxyaalaha aad wargeyska ku naqdiday waxa lagama maarmaan noqotay inaanu qoraalkaaga anaguna jawaab kooban ka siino.

Marka hore xoghaye waanu kaa gudoonay weedhaha waanada ah ee aad maqaalkaaga noogu soo jeedisay, isla markaana waajibka aasaasiga ah ee saxaafadda ayey ka mid tahay inay saxaafaddu noqoto mid dadkeeda xaqiiqdu u tebisa, una tilmaanta sida saxa ah, sidaa darteed waanu qaadanay hadii aad nagu waanisay saxaafaddu yaanay noqon mid wax majara habaabisa, laakiin xoghaye waxay ku fiicnayd inaad is waafajiso weedhahaaga badhtanka maqaalka ku jira iyo weedhaha aflagaadada xambaarsan ee aad qoraalkaaga ku bilowday. Hase yeeshee hadii aanu wax yar ka nidhaahno qoraalkaaga, marka hore maqaalka uu wargeysku qoray waxay ahayd warbixin dhinacyo dhawr ah taabanaysa, laakiin xoghaye adigu dhawr meelood oo keliya ayuun baad calaamadisay.

Meesha ugu horaysa ee uu wargeysku qoray “markabku wuxuu siday 100,000 tone”, taasi runtii waxay ku soo baxday qalad mad-bici ah, waxayna sax ku tahay toban kun oo tone (10,000 tone) sidaa darteed taa waanu uga cudur-daaranaynaa akhristayaashayada, waanuna ka garaabaynaa wixii qalad ah ee leedahay, iyadoo aanu idin xusuusinayno inaanu mar horeba istusnay saxideeduna ay miiska noo saarayd, laakiin xoghaye malaa taa hadalkeedu ma ahayn mawduuc weyn  oo bartilmaameed ka dhigato.

Xoghaye, qoddobka labaad ee aad wargeyska ku naqdiday waxa weeye arinta dhulka oo aad tidhi ma jiro wax mushkilad dhul ah oo magaalada Berbera ka jiraa, laakiin haddana waxaad tidhi dhaar shil waa jirey, waayo waxaad afka ku dhufatay meel ay labo qolo ku muransan tahay, laakiin hadii aad akhriday wargeysku wuxuu qoray “ meel xaafadda moosko u dhow oo ay dadku hadal hayeen” ee ma qorin bogcado badan oo la isku haysto, waxaanu ku xusuusin lahayn in muranka dhulka ee laga hadlaa uu yahay bogcado ay laba qolo isku haystaan iyo wax la mid ah, balse hadii aanu tix-raacno su’aashaada ah ummaddu iftimiin iyo cadayn bay uga fadhida waxa uu wargeysku qoray, waxaanu leenahay qabuul iyo ogol, cadayntuna waa goorteeda iyo goobteeda, adiguna xoghaye hadii aad ku faantay inaan magaaladaada muran dhul ka jirin, laakiin waxaanu ku leenahay waad fiican tahaye “laba kub oo shaashle yaan lagaa waayin”

Hase yeeshee, xoghaye marka laga yimaado labadaa qoddob ee aad xustay maxaad wax uga odhan wayday dhibaatooyinka kale ee wargeysku ka hadlay ee maamulkaaga hoos yaal, maxaadse wax uga qaban wayday dayaca badan ee yaal magaalada aad madaxda ka tahay. Sidoo kale xoghaye waxay masuuliyaddu ku qurux badan tahay, sida aad ugu dhego nugushahay inaad is difaacdo, waa inaad ugu dhego nuglaato inaad wax ka qabato dhaliilaha iyo dayaca maamul ee ay saxaafaddu farta ku fiiqdo.

Aqoonyahan Jarmal Ah  Iyo Nin Muwaadin

Ah Oo Tallo Ka Bixiyay Aqoonsiga Somaliland

Cumar Daahir Cumar

Sannadkii 1993, xilligaas oo ay inta badan siyaasiyiinta, Guurtida iyo aqoonyahanada Somaliland uu shir uga socday magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa waxaa shirkaa lagu soo bandhigay buug ay wadajir u qoreen nin u dhashay dalka Jarmalka iyo nin Somalilander ah. Buuggaasi wuxuu tilmaan ka bixinayay arrinta inta badan aad ay u xiiseeyaan dadka u dhashay Somaliland, taas oo ahayd aqoonsiga Somaliland.

Inkasta oo xilligii bugaas la soo bandhigay ka hadlayay aqoonsiga Somaliland, oo aan dad badani aad u dhaadin. Xaaladda xilligaa lagu jiray oo u baahnayd in la qabto hawlo badan oo ka horreeya aqoonsiga Somaliland, sida hubka-dhigista, dhismaha nidaamka dawliga ah iyo in Somaliland la gaadhsiiyo jawi ay dunidu ku qanci karto in la aqoonsado.

Buuga la soo bandhigay horraantii sannadki 1993, wuxuu qirayay dhawr arrimood oo ay ka mid tahay sida aanu u jirin midow sharci ku dhisan oo dhacay 1960 ee labada dawladood Somaliland iyo Somaliya.

Buugaasi waxaa kale oo uu diidanaa in Refredum lagu xidho gooni isu-taaga Somaliland, isaga oo taas ku fasiray maadaama aanu jirin midawo sharci ahaa inaan Refredum sharci loogu lahayn in la xidho gooni-isu-taaga Somaliland.

Buugaasi waxa uu ku talinayay, Somaliland inay aqoonsigeeda u marto dariiqa maxkamadda caalamiga ah ee ku taala (Hague) ee dalka Holland, Waxaanu ku talinayay arrin marka hore adag, laakiin haddii ay guushu raacdo Somaliland ay mag-dhaw ku helayso dhibaatadii gaadhay xilligii aan la aqoonsan ee ay xaqa u lahayd in la aqoonsado Somaliland.

Arrintu siday doonto ha ahaatee, waxay u muuqataa mid ku salaysnayd cilmi baadhisyo dhinacyo badan ah sida fikirka ay reer Muqdisho (Soomaaliya) ku oggolaan karaan Somaliland in la aqoonsado oo u muuqday 9 sano kahor mid aan rajo lahayn. Arrintaas oo ay sababtu tahay quwada kale oo dano kaga xidhan yihiin Geeska Afrika oo u arka in aqoonsiga Somaliland uu lid ku Yahay danahooda. Quwadahaasi, iyaga oo aan u danaynayn sida ay aqoonsiga Somaliland deggenaansho ugu soo kordhinayso gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan dunida, marka la eego qaddiyado kale oo ka jiri jiray Geeska Afrika.

Buuggaas ka talinayay aqoonsiga Somaliland, wuxuu tilmaamay in geynta qadiyadda Somaliland ee maxkamadda adduunka ee Hugue ee dalka Holland ay u baahan tahay oo qudha, dhaqaalihii lagu furi lahaa kiiskaas, sida kiisaska kale ee ay maxkamaddaasi ka gar-qaado.

Soo tix-raaca arrintan, waxaa sabab u ah, iyada oo aan xililgaa la soo bandhigay kadib aan la maqal cid hawsha aqoonsiga Somaliland ku tijaabisay dariiqaas.

Marka la eego aqoonsiga Somaliland qiimaha wax-tar ee uu u yeelan karo malaayiin qof oo u dhashay Somaliland, iyo tiro kale oo dad ah, oo iyaguna si dadban ugu tiirsan nidaamka ka jira Somaliland. Waxaa soo baxaya in u hawlgal dhaqaale loogu ururiyo kiiska aqoonsiga Somaliland ee maxkamadda adduunka, in uu ugu yaraan abuuri karo arrinta Somaliland gooni isu-taageeda oo gasha heer si fiican ay u arki karaan indha caalamku.

Dhinaca kale, waa hubaal in ay jiraan sharci-yaaano u dhashay Somaliland oo si cilmiyan ah, sharcigana waafaqsan ugu doodi kara aqoonsiga Somaliland.

Tallaabadnai waxay noqon lahayd mid qancisa oo haddii caddaalad lagu saleeyo si furan uga gar hesho ciddii wadata mala-awaal lagu duudsiyayo aqoonsiga dawladnimo ee ay hore xaqa ugu heshay Somaliland, haddana xaq u leedahay.

Dhianca kale, xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata ta loo baahan Yahay inay maal-geliso mashruca, taas oo aad moodo inay ka habboon tahay hantida badna ee tuhun fara badani sheegayo inay xukuumaddu laga yaabo in ay u qoondeysatay ku badhitaarka xisbigeeda (UDUB). Arrintan oo guusha ka soo baxdaa ay noqon doonto mid muran dhalin doonta. Haddiise xukuumadda Somaliland ay maal-gelin u hurto kiiska aqoonsiga Somaliland, waxaa dhici karta in ay ka hesho taageero dadweyne oo si xalaala wax uga tarta loolankooda siyaasadda ee hoggaaminta Somaliland.

Maamulka Gobolka Ee Burco Oo

Lafa-Guray Mushkiladda Dhulka Beeraha

Warbixin – Weriyaha Haatuf

Hargreysa (Haatuf): Isu-duwaha Wasaarada Beeraha ee Gobolka Togdheer, ayaa isugu yeedhay Guddiga Nabadgelyada Gobolka iyo beeraleyda, si ay xal ugu helaan mushkiladda muranka dhul-beereedka Burco.

Isu-duwaha Mr. Maxamed Cabdi Maxamed (Gurey), shir uu soo qaban-qaabiyay oo ay sabtidii dorraad isugu yimaadeen xubnaha Guddiga Nabadgelyada Gobolka iyo Beeraleyda, ayuu ku soo bandhigay dhibaatada ka taagan dhul-beereedka, isagoo sheegay la isku haysto 73-beerood, kuwaas oo uu tilmaamay in ay qabsadeen dad aan hore u lahaan jirin. Isu-duwuhu waxa uu sheegay in Sharciga lagu fuliyay lix beerood, intii kalena ay ku jiraan Maxkamadaha; “Waxaanu haynaa diiwaankii beeraleyda. Waxa la sheegayaa in ay jiraan 17-shahaado beero oo foojeri (Been-abuur) ah,” ayuu yidhi Maxamed Gurey. Waxana uu sheegay in saddex ka mid ah shahaadooyinkaa been-abuurka ah ay qabteen booliska laanta baadhista dembiyada (CID), intii kalena ay gacanta ugu jiran dad, baadhistoodana lagu daba-jiro.

“Markaa ujeedada aanu idiinku yeedhnay waxa weeye in aan idinla socodsiino dhibaatooyinka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa,” ayuu yidhi.

Guddiga Nabadgelyada Gobolka Togdheer oo ka kooban, saddexda Taliye-qaybeed ee Ciidamada Booliska, Asluubta iyo Milateriga, Badhasaabka Gobolka iyo Duqa Magaalada, ayaa sidoo kale waxay dhegaysteen cabashooyin ay xubno ka tirsan Beeraleydu halkaa ka jeediyeen.

Oday ka mid ah dadka Beeraha laga haysto oo ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in beertiisa ay haystaan askar ka tirsan Ciidamada dawladda.

“Anigu waxaan ka mid ahay dadka beerahooda la haysto, waxaana beertayda haysta nin dirays sita oo qori haysta, kana tirsan Ciidamada dawladda,” ayuu yidhi ninkaas oo magaciisa la yidhaahdo Shaami. “Waan heli karaa qori, balse amniga iyo sharciga ayaan ilaalinayaa,” ayuu raaciyay.

Beeraleydu waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in Maamulka Gobolku wax ka qabto arrinta, sharcigana ay ku qanacsan yihiin.

Caaqil Maxamed Dheere oo ka mid ah Cuqaasha deegaanka Buuhoodle, ayaa isaguna Masuuliyiinta ka codsaday in wax laga qabto cabashada dad reer Buuhoodle ah oo sheeganaya in beerahoodii la haysto.

Intaas kadib, Taliyaha Booliska Gobolka, Saleebaan Muuse oo arrintaa ka hadlay, ayaa  isagu dhaliilo arrinta la xidhiidha u jeediyay Guddiga Nabadgelyada Gobolka, iyo Maamulka Beeraha laftiisa. Taliyuhu waxa aad uga digey, khatar ka iman karta muranka dhul-beereedka, kaas oo uu sheegay in waxa boolisku ka qaban karaa ay yar tahay, isaga oo sheegay in Guddiga Nabadgelyada oo wax ka qabad-la’aan lagu dhalliilayaa aanay wada-shaqayntoodu fiicnayn.

“Waxaa muhiim ah in wada-jir wax looga qabto, iminka anigu boolis baan ahay, haddii wax dhacaan boolisku 30% uun buu wax ka qaban karaa,” ayuu yidhi Saleebaan Muuse, waxana uu xusay in sababtu ay tahay dadka reer Burco oo aan meel u wada-jeedin.

“Arrinta beeruhu waa miino qarqarxaysa, maalin aan maanta ahayn-na waa la idinkula xisaabtami doonaa,” ayuu yidhi Taliyaha Boolisku. Waxa kale oo uu duray Maamulka Beeraha oo uu sheegay in laftooda laga dacwoonayo, taas oo uu Isu-duwaha beeruhuna si cadho leh uga jawaabay, isaga oo si kedis ah u boobay hadalka oo yidhi; “Taliye, anaga waad na durtay, waxaanu haynaa caddaymo aad adigu leedahay oo aad kiisaskaas oo kale ku jirto, ciidamo aad qaar ka dambaysid.”

Si kastaba ha ahaatee, Badhasaabka Gobolka Togdheer Cali Cabdi Hurre, ayaa geba-gebadii shirka sheegay in hawshaa uu cid u xilsaari doono, hadday dhinaca Garsoorka noqoto, iyo haddii kaleba.

“Sida ugu dhakhsaha badan baanu wax uga qaban doonnaa,” ayuu ku ballanqaaday Guddoomiyuhu. Badhasaabka Mr. Cali Cabdi Hurre, waxa uu aad uga waramay dhibaatada dhulka la ootay ee aan la manaafacaadsan ee magaalada.

“Marka hore, qofkasta ha ogaado inuu dhulka ku leeyahay 2-mitir oo lagu aasi doono,” ayuu yidhi Cali Cabdi.

“Maanta, waxaynu la’ nahay meel aynu xabaalo ka dhigano oo arladii oo dhan waa la ootay.”

Badhasaabku waxa uu daah-furay ujeedada ka dambaysa, dhul-beereedyada aan la manaafacaadsan ee laga seertay duleedka magaalada, waxana uu sheegay in dhulkaas loo haysto keliya in marka magaaladu gaadho, baloodh-baloodh loo iibiyo.

“Waxaad ogaataan in dhulkaa maalaayacniga u oodan, la idin waydiinayo maalinta xisaabta (Aakhiro),” ayuu yidhi.

Waxa ka dhacday magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, maamuladii hore in dadka seerayaasha magaalada duleedkeeda ah leh ay dawladda hoose siiyaan qaybo ka mid ah beeraleyda, si ay ugu fidiyaan magaalada, iyagoo uga dan leh in dhulka baaqiga ah uu u iibsamo, taas oo noqotay farsamo maamulka dawladda hoose laftiisu dhul ku helo.

Maamulka Iyo Hoggaamiyayaasha Bulshada Oo Isku Horfadhiistay Shir Lagaga Arrinsanayo Duruufaha Burco

Burco (Haatuf): Shir balaadhan oo lagaga hadlay duruufaha magaalada, ayna ka soo qayb galeen maamulka dawladda hoose, madaxda gobolka, madax dhaqameedyo, xubno golaha Guurtida ah, xubno ururada siyaasadda ka socda iyo wax garad kale ayaa shalay ka dhacay huteelka Shaamow ee magaalada Burco, waxaana shirkaa qaban-qaabadiisa iyo agaasinkiisa lahaa maayarka Burco, Aadan Maxamed Mire iyo masuulinta kale ee dawladda hoose.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Liibaan Maaweel Shire, waxa shirkaa ugu horayn warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda magaalada ka jeediyey maayarka, Aadan Maxamed Mire, wuxuuna sheegay inay magaalada Burco waqtigan xaadirka ah ku dhaqan yihiin dad tiradoodu gaadhayso 200,000---250,000 oo qof, waxa kale oo uu sheegay inay shaqaalihiisa dawladda hoose tiradoodu gaadhayso ilaa 400 qof. Laakiin isaga oo maayarku ka waramaya xaaladda dhaqaale ee dawladda hoose wuxuu yidhi “Laba bilyan iyo lix boqol oo milyan oo SH.SL oo ah dayn ah ayaa lagu leeyahay dawladda hoose, shaqaalaha dawladda hoosena ilaa 850 milyan oo SH.SL ah ayey ku leeyihiin dawladda hoose, iyadoo aanay shaqaaluhu hadda bishii 8aad mushahar qaadan, dakhliguna hoos buu u dhacay ka dib markii xoolaha la xayiray iyo maaraynta iyo maamulka oo aad u liita”.

Maayarku waxa uu jeediyey warbixin dheer oo dhinacyo badan leh, taas oo uu ka waramay duruufaha maamul, dhaqaale, adeegyada iyo nololeed ee magaalada ka jira iyo waxyaalihii uu maamulkiisu qabtay mudadii yarayd ee uu xilka hayey, isaga oo dhinaca kalena ka war-bixiyey dhaqdhaqaaqyada wax qabad ee dhinaca dadweynaha. “Marka aanu xashiishka meel gayno markiiba baabuurtii xashiishka qaaday oo aan soo gaadhin magaalada ayuu xashiishkii uga soo horaynayaa, markaa dawlad hoose oo awood haysaa ma jirtee wixii aynu kaga tashan lahayn aynu iswaydiino”ayuu yidhi maayarku, isaga oo farta ku fiiqay dhibaatooyinka caafimaad, waxbarasho iyo guud ahaanba dayaca ka jira adeegyada bulshada iyo sida loogu baahan yahay in wax laga qabto, isla markaana waxa uu maayarku ka webiyey awoodda dawladda hoose. “Muddo 10 bilood ah maalin saddexaad ayaanu bishii Julay kabkeedii ka helay dawladda dhexe 48 milyan oo SH.SL ah”ayuu yidhi maayarku, wuxuuna hadalkiisa gunaanad uga dhigay in laga taliyo sidii wax looga qaban lahaa duruufaha maamul iyo adeeg ee magaalada Burco dhex-yaal.

Xubno golaha Guurtida ka tirsan oo socdaal ku jooga magaalada Burco ayaa, iyaguna kulankaa ka hadlay, “Anagu waxaanu halkan u nimi inaanu dadka ka waraysano sidii aynu uga gudbi lahayn qabiilka ee ay dalka doorasho uga dhici lahay”sidaa waxa shirka ka yidhi, mudane Maxamed Gaax-nuug oo ka mid ah weftiga Guurtida ee Burco jooga, wuxuuna mudane Gaaxnuug intaa ku daray “Waxa laga yaabaa inaad is tidhaahdaan tolow maantana ma kordhin bay u socdaan, maya taa uma socono”, laakiin markii uu hadalku halkaa marayey ayuu nin ka mid ah dadkii meesha isugu yimi oo magaciisa la yidhaahdo, Cabdi Xuseen-dheere intuu kor u qayliyey yidhi “Waar noo kala saara danta Burco ee aanu meesha u nimi iyo tiina oo idinku mar kale dadka la hadla”, dabadeedna mudanihii Guurtida ahaa Gaaxnuug ayuu si cadho leh u yidhi “Cabdi Xuseen-dheerow inagu gooni baynu isu arki doonaa”.

Maayarkii hore ee Burco, Maxamed Xuseen Aadan oo ka mid ahaa dadkii kulankaa ka qayb galay ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna ka waramay sidii uu hawlihiisa u dhaqaajiyey markii uu maayarka ahaa iyo waxyaalihii uu qabtay, isaga oo xusay inuu maayarka hadda xilka haya u gudbiyey wixii talooyin ah.

Waxa kale oo ka mid ahaa dadkii kulankaa ka hadlay Chief Caaqil.Maxamed Daahir, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Guurtida mid baan leeyahay dalka maanta idiinku horaysa markii ay doorashadu soo dhowaatay, maayarkana waxaan leeyahay waa kii inoogu horeeyey ee inoo warama, dhulkana inamadu ma haystaan ee inteena halkan fadhida ayaa ka dambeeya ee aynu Burco wax u qabano oo 12 baac bay aasan tahay ee aynu ka soo saarno”.

Waxa kale oo ka mid ahaa dadkii shirkaa ka hadlay suldaan Maxamuud Guuleed iyo taliyaha qaybta boooliska, waxayna intuba ka hadleen sidii magaalada wax loogu qaban lahaa.

Wadamada Horumaray Iyo Dalalka

Saboolka Oo Shir Uga Furmay Koonfur Afrika

Johannesburg (W. Wararka): Shir ay ka soo qayb galeen ilaa boqol ka mid ah madaxda dawladaha hore-umaray iyo ilaa 400 oo ah saraakiil ka kala socda dalalka dunida saddexaad ayaa shalay ka furmay dalka Koonfur Afrika, wuxuuna ku bilaabmay cabashooyin la xidhiidha saboolnimada ka jirta dalalka dunida saddexaad, iyadoo ay booliska Koonfur Afrika aad u adkeeyeen amaanka goobta uu shirkaasi ka dhacayo.

Shirkan oo socon doona muddo 10 maalmood ah waxay ujeedadiisu tahay in lagu gaadho heshiis lagu yaraynayo saboolnimada ka jirta dalalka soo koraya iyo sidii loo daryeeli lahaa degaanka adduunka iyo weliba kor u qaadidda wax wada qaybsiga dhaqaalaha dalalka dunida.

Wufuudda shirkaa ka qayb gashay ayaa muujiyey inay diidan yihiin heshiis laga gaadho ajandaha shirkaa u qoondaysan, waxaana la sheegay in hadaladii horhdaca ahaa ee shrika laga yidhi la isku waafiqi kari waayey dib u habaynta dimoqraadiyadda iyo hoos u dhaca wax soo saarka beeraha oo laga wada hadlay.

Wasiir-kuxigeenka arimaha debedda Koonfur Afrika oo shirkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxay noqonaysaa wax khiyaali ah hadii ay la yaab noqoto shir sidaa u balaadhan oo aan fikradaha qaarkood lagu kala duwanaan karin”, waxaana la filayaa in labada maalmood ee u dambeeya heshiis laga gaadhi doono arimaha shirka lagaga wada hadlayno, labadaa maalmood oo ay shirka imanayaan madaxda dawladaha dunida ee shirkaa isugu yimi, iyadoo aanu madaxweynaha Maraykanku shirkaa ka soo qayb gelayn.

Madaxda dalalka saboolka ah ayaa laga yaabaa inay shirkaa ka codsadaan caawimo dheeraad ah iyo inay dalalka hore-umaray suuqyadooda u furaan alaabooyinka ay soo saaraan dalalka soo korayaa, laakiin waxay wadamada hore-umaray ku xisaabtamayaan talaabo kasta oo ay qaadaan saamaynta ay ku yeelanayso dhaqaalahooda.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa sheegay in go’aamadii lagu gaadhay shirkii kan ka horeeyey aan loo fulin si laga raali yahay.

Booliska Koonfur Afrika ayaa sabtidii kala dareeriyey boqolaal dad ah oo isu soo urursaday inay shirka ku mudaharaadaan.

Dawladda Itoobiya Oo Jig-Jigga Ka Bilowday Olole Lagu Qab-Qabanayo Baabuurta Sharci-Darrada Ku Soo Gashay

Harg (Haatuf):- Dawladda Itoobiya ayaa bilowday hawlgal ay ku qabanayso baabuurta sida sharci-darada u galay Soonka 5-aad ee Itoobiya, gaar ahaan caasimadda Jig-jiga.

Siday faafisay Idaacadda BBC-da, laanteeda Af-soomaaligu, boqolaal baabuur ah oo dhinaca Somaliland iyo meelo kaleba ka kala tegay, oo aan la cashuurin ayaa ku sugan Soonka 5aad ee Soomaalida Itoobiya. Sarkaal u hadlay xafiiska canshuuraha kastamka ee Jig-jiga, ayaa sheegay in ay jiraan baabuur badan oo Taarikada Somaliland leh oo ku sugan Itoobiya, siiba Kililka 5aad.

Warku wuxuu intaa ku daray, in mulkiilayasha baabuurtaasi ay taarikooyin samaysteen, taasina ay awood u siisay in ay ilaa Addis Ababa galaan.

Warku wuxuu sheegay, dawladda Itoobiya inay halkaas ku weyday lacag ilaa 5 milyan oo Bir gaadhaysa, taas oo ah canshuurtii laga qaadi lahaa baabuurtaa.

Sidaa aawadeedna waxa la sheegay in magaalada Jig-jiga laga bilaabay olole lagu baadi-goobayo gaadiidka noocaas ah ee sida sharci-darada ah u galay gobolkaas.

FBI-da Maraykanka Oo Su’aalo Weydiinaysa 17-Mudane Oo Senate-ka Ah

 

17 mudane oo ka tirsan aqalka Senate-ka Maraykanka ayay sheegtay Hay’adda dembi-baadhista ee Maraykanku (FBI), inay weydiinayso su’aalo la xidhiidha sir la sheegay in ay ku saabsan tahay maqalkii weerarkii 11 September, lagu qaaday New York iyo Washington.

Mudanayaasha Senate-ka Maraykanka, waxaa la sheegay in ay hay’adda (FBI) ay weydiin doonto xusuus-qorka xidhiidh ee Telefoonada ay mudanayaashaasi xidhidhka la sameeyeen iyo war-bixinadii ay siiyeen jaraa’idka.

Toddobaadyadii tegay, waxay hay’adda FBI su’aalo weydinaysay ilaa boqol qof oo ay ku jiraan 37 Mudane oo ka tirsan labada Guddi ee Aqalada Mudanayaahsa ee Maraykanka u qaabilsan sirdoonka.

Dhinaca sharciga, waa ka dembi Maraykanka faafinta wararak sirta culus ahi.

Mudayaasha iyo 60 shaqaale ah oo su’aalo laga weydiinayo warar ay faafisay war-baahinta Maraykanka o sheegayay in hay’adda NSA ee arrimaha sirta u qaabilsan Maraykanka oo ahaa in aan la turjumin baaqaq la helay, kahor intii weerarkii Sept. 11. hase yeeshee, la turjumay baaqaqaa 12 September. Baaqaasi wuxuu ahaa; “Ciyaartu waa in ay bilaabantaa.” Iyo “Berito saacaddu waa eber.”

Mudane Bob Graham oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ayaa hore u codsaday inay baadhida arrintan ka qaybgasho wasaaradda Caddaaladda ee dalka Maraykanka.

Mr. Bob Graham, oo madax u ah Guddiga sirta ee uu xulay Senate-ka Maraykanku, iyada oo ay socotay eedayn ah; qayru mas’uulnimo lagu eedaynayo Maamulka madaxweyne Bush ee dalka Maraykanka.

Laakiin saraakiisha madaxweyne Bush, waxay arrintan ku tilmaameen mid khatar ku ah dhawrista sirta iyo qaabka sirdoonka ee dawladda Maraykanka, haddii la sii wado.

Jabhadda FNL Oo Weerartay Caasimadda Burudi

Dagaalyahanada Jabhadda FNL (National Liberation Front, ayaa weeraray degmada waqoyi bari ee Burundi, oo ah caasimadda dalkaas ee Bujumbura.

Dagaalkani, wuxu dhacay iyada oo dhinacyada ay colaadu kaga dhexayso dalka Burundi ay wadohadallo ugu socdaan magaalada Daresalam ee dalka Tanzania.

Weerarkan ay Jabhadda FNL ee Burundi ku qaaday Bujunbura, waxaa fuliyay Garabka Fog ee Jabhaddaas, oo uu hoggaaminayo Agathon Rwasa.

Weerarkan ayay dadka la socda siyaasadda kooxaha isku haya Burundi ku tilmaameen gor-gortan ku aadan wadahadallada dawladda Burundi iyo jabhadda FNL, oo uu isku muujinayo hoggaamiyaha Garabkan fuliyay weerarka maalintii Axaddii si qayb looga siiyo wadahadallada.

Mr. Mugabarabone, oo ah ninka hadda jabhadda FNL u jooga Darussalam, si uu wadahadallo ula yeesho dawladda Burundi, ayaa u muuqda in garabka fog ee jabhaddiisu ay fashiliyeen inaanu taageero ka haysan jabhaddiisa FNL.

Taliyaha ciidamada Burundi ee dawladda, ayaa isna ku dhawaaqay in la weerari doono jabhadda FNL maalmaha soo socda.

Wadahadallada heshiisiinta dhinacyada ku dagaalamaya dalka Burundi oo socday laba toddobaad, ayay hadda magaalada Darussalam ee dalka Tanzania dhibaatooyin kaga yimaadeen dhinaca ciddii kooxaha shirkaa u meteli lahayd iyo jabhadaha oo u sii kala jajabay qaybo badan oo qayb waliba ay sideeda wax u doonayso.

 “Waxaan Rumaysnay In Ay Dadku Fuliyaan Sharciyadda Dawliga Ah”

Faylasuufkii Reer Giriig Ee Socrates

Xilligi xaddaaraddii Giriiga oo hadda ay ka soo wareegtay 2500 oo sannadood, waxaa dalka Giriiga ka hana-qaaday 3 nin oo ahaa Falasuufyo caan baxay, waxayna kala ahaayeen; Plato, Aristotle iyo Socrates.

Falasuufarka Socrates, wuxuu dhiirigelin jiray in su’aalo la iska weydiiyo dhacdooyinka nolosha, kadibna baadhitaan iyo daraasad uu ku sameeyo jawaabaha ka soo baxa weydiimaha, wuxuuna isku deyi jiray in xaqiiqada arrinta lagu gaadho su’aalaha iyo jawaabahaas.

Socrates, wuxuu rumaysnaa in su’aalaha ku saabsan arrin la wado ilaa inta natiijada arrinta lagu heshiinayo.

Xilligaas dadka ku nolaa magaalada Athens ee dalka Giriiga, qaar ayaa rumaysnaa in uu Socrates si khaldan wax u baray ardaydiisii, sababtuna waxay ahayd Socrates, oo ardaydiisa iyo dhallinyarada ku dhiirigelin jiray inay caadaystaan qaabka su’aalo weydiinta, si ay wax u korodhsadaan ama uga jaahil baxaan arrimo isweydiin leh oo jira.

Socrates, wuxuu isticmaali jiray xataa inuu su’aalo weydiiyo madaxdii xilligaa xukumi jirtay Athens, oo ku taala Giriiga.

Qaab-dhaqankii Socrates, wuxuu keenay in la eedeeyo, waana la xidhay Socrates, waxaana lagu eedeeyay in uu majaro habaabiyay ardaydii iyo dhallinyaradii ku noolayd magaalada Athens ee dalka Giriiga.

Socrates, waxaa lagu xukumay dil, iyada oo qaabka loo fulinayay xukunkaa dilka ahaa ay ahayd in uu Socrates cabi sunta (Hemlock).

Xukunkaa Socrates, kamuu dacwiyin ee wuu oggolaaday, laakiin Socrates saaxiibadiisii ugu dhowa ayaa kula taliyay inuu ku gacan-saydho, oo uu baxsado, maadaama uuna xukunkaasi caddaalad ahayn. Balse Socrates, wuu ku diiday saaxiibadii inuu baxsado, isaga oo u sheegay inaanu baxsanayn oo fulinayo xukunka dilka ah ee lagu qaaday. Wuxuuna yidhi; “Waxaan rumaysanahay in dadku ay fuliyaan sharciyada dawliga ah.” Sidii ayuu Socrates u cabay suntii Hemlock oo ugu fulay xukunkii dilka ahaa.

Ardaydii Socrates, waxaa ugu caansanaa Faylasuufkii Plato, oo sameeyay Akamiyad caan ah oo ku taalay Athens, taas oo jirtay ilaa 900 (sagaal boqol) oo sannadood, wuxuuna Plato sameeyay nidaamka jamhuuriga ah (Republic), kaas oo ku qornaa buug uu ku haloosiyay dhul uu qof waliba ka shaqeeyo shaqada ku habboon iyo in dhallinyaradu ay wax bartaan muddo 20 sannadood ah, iyo in aanay jirin shaqo laga maanaco in ay dumarku qabtaan.

Plato wuxuu rumaysnaa in dadku ay noqdaan saddex dabaqadood. Dabaqadda hore oo ah shaqaalaha wax-soosaarka, kuwaas oo soo saaraya waxyaalaha lagama maarmaanka u ah nolosha.

Dabaqadda labaad waa askarta oo ah ilaalada dawladda.

Dabaqadda saddexaad oo uu Plato ka dhigay Falasuufyadu inay maamulaan dhammaan danaha guud.

Nidaamka Republic (Jamhuuriga) ee uu seeska u dhigay Plato, wuxuu ahaa isku-daygii ugu horreeyay ee dunida, kaas oo mujtamaca u kala sameeyay qorshe qaab-nololeed.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Waan Iska Casilay Jagadii Caaqilnimo

Aniga oo ah Caaqil Maxamed Saleebaan Warsame, kana mid aha cuqaasha gobolka togdheer, waan iska casilay jagadii caaqilnimo ee aan hayey, taas oo aan dawladdana la socod siiyey, sidaa darteed beeshii aan caaqilka u ahaa cidda ay doonto caaqil ha u doorato, dawladduna sidaa ha u ogaato.

Sababta aan isu casilayna waxay tahay dadkan maanta jooga oo uu xaalkoodu noqday ii talin maysid, kuu talin maayo, kuu tudhi maayo oo kaa tegi maayo, sidaa awgeed ayaan u go’aansaday inaan xilkii caaqilnimo iska casilo.

Waxa kale oo aan ummadda u sheegayaa intii aan xilka caaqilnimo hayey inaanan eex cidna ka gelin, laakiin waxaan Illaahay ka baryayaa inuu iiga dembi dhaafo intii aan xilka hayey wixii dembi ah ee igu soo leexday, istiqaamana uu igu siiyo dariiqii Rasuulka (N.N.K.H). Ummadda Reer-Somaliland-na waxaan ku guubaabinayaa inay illlaahay u noqdaan oo salaadana la tukado, waxa wanaagsana lays faro.

Ugu dambayn waxaan ahay caaqilkii u horeeyey ee jagadaa iska casilay.

Ex. Caaqil: Maxamed Saleebaan Warsame

Jawaabta Waxaan Ka Sugayaa Madaxweynaha

Waxaan bulshada Somaliland saxaafadda xorta ah ugu soo bandhigayaa ra’yiga ku saabsan xaaladda dhaqaale iyo ganacsi ee dalku ku sugan Yahay xilligan, waana sidan:

Xukuumadda, waxa laga eegayay inay wax ka qabato, sidii ay u fulisay ballan-qaadkii xallinta arrimaha garsoorka iyo caddaaladda ee madaxweyne Rayaale khudbaddiisii khayriyada ugu horraysay dadweynaha ugu ballan-qaaday, waxaanan mahad ballaadhan u soo jeedinayaa xukuumadda talaabada wax ku oolka ah ee ay qaaday.

Haddaba, waxa xukuumadda madaxweyne Rayaale, iyadana laga filayaa wax ka qabasho dhab ah oo ku salaysan kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsiga waqtigan goblanka ah, oo iyana la xidhiidhay khudbaddiisii 18/5/2002, bulshada qarankan ee dhaqaale darrida u tabaalaysanina ay weli ka dhur-sugayaan oofinta Maamulka Rayaale.

Waxaan shaki ku jirin, in aafada keli ah ee wiiqaysa horumarka dalku Yahay ganacsiga oo aan gacanta ugu jirin Ex-ganacsatadii dhoofinta xoolaha. Haddaba, iyada oo halbowlaha dhaqaalaheenu Yahay xoolaha nool, isla markaasna ay dalka ka ganacsadaan dad shisheeye ahi, dembigaas waxa leh xukuumadda, mar hadii ay wax ka qaban weyday. Taas oo sababtay hoos u dhac laxaad leh oo gumeeyay dadkii ganacsiga aqoonta dheer u lahaa, kana faa’iidaysteen ganacsato reer Jabuuti ahi. Dhammaana waxa la isla qirsan Yahay ganacsiga dalkeenu inuu ku xidhan Yahay xoolaha nool, oo dawladdii hore neefka Geella ah waxa la siin jiray US $750, Loda $450, neefka adhiga ahna $90-100. maantana wuxuu marayaa neefku $8 (siddeed dollar) oo keli ah. Waa dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee aynu nacabka u aqoonsanay, iskana bur-burinay.

Hadalka waxaan u bal-ballaadhinayaa ragga mas’uuliyiinta ahi miyayna ogayn xaaladda dhaqaale ee dalka, waa Golaha Wasiirada, golaha Guurtida iyo golaha Wakiilada’e. anigu la hadli maayo Axsaab isku-sheega hungurigooda uun u nafla-caariga ah ee u ordaaya een danta Somaliland wax wadaa ku jirin. Maantana wax ka qabasho waxa u baahan marxaladda dhaqaale ee dalku marayo, hadday tahay dawlad iyo hadday tahay dadweynaba. Waxa su’aal mudan, maxaa Baankeenu u xidhan Yahay? Waa ganacsiga aan gacanta innoogu jirin, haddaanu nahay xoolo-dhoofiyeyaashii hore annaga ayaa u diyaar ah ee dawladdu wax ma nagala qabanaysaa?

Muwaadiniinta Somaliland ee dibadda, waxaan ugu baaqayaa inay lacagta ay soo xawilayaan, ku soo shubtaan Baankeena, kana qaybqaataan soo noolaynta ganacsi, iyada oo khasaare badan lagala kulmi karo habka xawilaadda ee xilligan, si dawladdu uga faa’iidaysato waxna kaga qabato horumarinta adeeg ee bulshada, ciidamada iyo dhammaan wixii lama huraan u ah shacbigeena.

Hay’adaha dalka jooga, waa in lagu amraa inay maalgeliyaan ganacsatadii hore, si aanu wax uga qabano dhaqaalaha. Waa tii C/laahi Darawal BBC-da ka sheegay in $300, dumarka hay’aduhu siiyaan, ganacsatadana waa in lagu maalgeliyo hanti dhaqaale oo xaddi badan leh. Dadka aan wax qorin waxna akhriyin, waa kuwa dalka dhisa, kuwa aqoonta sheeganayaana waa kuwa wax dumiya. Waa in hay’adaha Baanka, madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu iskaashi sal ballaadhan leh sameeyaan, waxna lagu qabto.

Madaxweyne Rayaalow run ma rabtaa. Waa in ciidamada derejo lagu kala saaraa, si ay u kala soocnaadaan, caalamkuna inoo aqoonsado, haddii kale ma jirto wax aynu kaga duwan-nahay malleeshiyooyinka dagaalamaya, waana inaynu is-muujinaa. Jawaabta waxaan ka sugayaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Ex-Adhiile; Yuusuf Cabdi Xandulle (Haliil).

Eelka Kii Dhigay U Dacwootay

Kadib markii aan garaacay Albaabo badan oo aan Cadaalad iyo Garsoor ka baadi-goobayay, rajo-beelna aan ka noqday in aan helo cid an ahayn Illaahay, ayaan go’aansaday in aan dhibtayda iyo waxa aan tirsanayo ku baahiyo Wargeysayada, si ay arrintaydu u gaadho Xukuumadda Sare iyo Bulshada waxgaradka ah ee Somaliland.

1987-kii ayaan weydiistay Maamulkii Dawladda Hoose ee Berbera ee xilligaa jiray in lay siiyo jago bannaan oo aan ka dhisto guri. Waxa lay siiyay Plot No: W/120 oo cabirkiisu yahay 50x25mts. Waxaan haystaa G.I. No; aan cashuurta ku bixiyay iyo go’aankii la igu siiyay markii dhulkaa lay mulkisiiyay, balse waxa layaab leh, waxa lana muransiiyay nin kale oo haysta lahaanshaha dhulka lambarkiisu yahay W/45 oo leh diiwaan-gelin cusub, dhulkana la siiyay 1998-kii.

Dhulka lay siiyay, waxaan bixiyay Cashuurta dawladda;

  1. 284882 – 12/01/1987
  2. 221/99 – 25/07/1999
  3. 100900 – 5/07/2001

go’aanka laygu siiyay dhulkaa, waxa saxeexay Gudidi dhulka iyo Guddoomiyihii Deegaanka ee xilligaa, markii aan u dacwooday Maamulka dawladda hoose ee Berbera-na layma qancin, arrintaydiina waxay noqotay “Eelka kii dhigay u dacwooto). Sidaa darteed, waxaan tirsanayaa Cadaalad-darro iyo dulmi laygu sameeyay.

Qayre Baaruud Bullaale, Berbera

Goormay Haboontay In Ay Doorasho Dhacdo

Waxaa la ogsoonyahay adduunweynaha ay ka midka nahay ee xornimada iyo dimuqraadiyadu u tahay saldhiga noloshooda, isla markaas dadku markay donaan inay cabiraan codkooda, waxaa horta la sugaa xuduudaha ay gobol waliba iyo degmo walba ay ta kale la leedahay.

Waxaa jirtay xadkii Hargeysa iyo Boorama, wuxuu ahaa Koonfur galbeed oo uu ka bilaabmayay Garba-haadlay, Waxaanu marayay Jufada, dabadeeto wuxuu ku soo dhacayay dooxa Dila.

Marka aynu eegno xuduudka dhinaca bari, wuxuu ahaa laanta Cawda (Bullo-xaar), taas oo ku cad maababkii mustacmarkii Inigiriiska.

Haddaba shirkii ay OAU-du ku qabatay Cairo 1904-kii (Cairo Acode), waxay go’aamiyeen inaan xadadka Ingiriisku dhigay aan la beddlein gudo iyo dibedba.

1964-kii, waxaa degmo buuxda laga dhigay Gebilay, xadkeeduna waxa uu ahaa; Koonfur bari; Kaabaddii Wado Makaahiil.

Waqooyi galbeed; Laanta Cawda (Lughaya).

Waqooyi Bari; Agabar iyo inta ay xukunto.

Dhowaan waxaa ka go’day degmada Gebilay Allay-baday oo xadkeeda bari Yahay Wado Makaahiil, dhinaca galbeed Gebilay iskuma haystaan xuduudka Allay-baday.

Waxaa iyana xusid mudan dhaq-dhaqaaqii wadaniga Soomaaliyeed (SNM), oo 1988 gobol ka dhigtay Allay-baday, Badhasaabna u samaysay Marxuum Daa’uud X. Gaydh.

Waxaa lala yaaban Yahay, waxa ay u hana-qadi weyday oo wixii ay mutaysatay loo siin waayay.

Haddaba, xududuaha caynkaas u cadi ma aha in mugdi la geliyo. Sidaas awgeed, doorasho waxay dhacdaa dadku markay kalsooni ka qabaan xuduudahoga oo sugan, si ay codkooda u dhiibtaan.

Waxaanu sidaa ku taageersanahay muwaadiniintii wargeyska Haatuf ku qoray “Ilaa xuduudaha la sugo in aanay doorasho dhacayn.”

Aadan Xaaji Gaydh, Hargeysa.