Haatuf, Cadadki 150, Sep.2, 2002

“Kursiga Aan Ku Fadhiyo

Kumaan Iman Qori, Xod-Xodasho…”

Madaxweyne Rayaale Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Khabiir Q. Midoobay U Qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadamaha Somaliland Iyo Somalia

 

Hargeysa (Haatuf):- Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xafiiskiisa kula kulmay khabiirka madaxa banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha xuquuqal-insaanka ee dal-weynihii la odhan jirey Somaliya.

Khabiirkaas oo magaciisa la yidhaahdo, Dr. Qaanim Al-najaar waxa socdaalkiisa Somaliland ku weheliya nin kale oo isna ka shaqeeya arimaha xuquuqal-insaanka, oo magaciisa la yidhaahdo, Dr. Aadan Cabdul-mawla oo fadhigiisu Yahay magaalada Nairobi. Wuxuuna Dr. Qaanim Al-najaar socdaal uu ugu kuur-gelayo xaaladda xuquuqda aadamaha ku yimi Somaliland, laakiin waxa uu uga sii gud-bay  dhinaca Puntland, isaga oo tegey magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ka soo laabtay Sabtidii dorraad.

Sida kulamada kale ee uu madaxweynuhu la yeesho wufuudda shisheeyaha kulanka uu la yeeshay weftiga xuquuqal-insaanka waxa uu ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin oo aan saxaafadda loo ogolayn, laakiin sida uu sheegay war-saxaafadeed uu kulankaa ka soo saaray af-hayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris waxa uu Dr. Al-najaar madaxweynaha u sheegay inuu imaatinkiisani yahay kii saddexaad ee uu Somaliland ku yimaado, isla markaana ay ku faraxsan yihiin waxyaabaha Somaliland u qabsomay, sida isbedelkii sida dimoqraadiga ah u dhacay, talaabooyinkii laga qaaday dhinaca garsoorka, haweenayda lagu daray golaha wasiirada iyo haweenka oo booliska lagu daray, kala saarista xabsiyada dadka waaweyni iyo dadka yar yar, gacan-siinta ururada xuquuqal-insaanka iyo doorashooyinka loo qorsheeyey inay dalka ka dhacaan.

War-saxaafadeedku waxa uu intaa ku daray inuu madaxweyne Rayaale-na dhiniciisa khabiirkaa uga waramay sida ay dawladiisu ugu hogaansan tahay sharciga dalka iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha. “Somaliland hadii aanu nahay waxaanu ixtiraamaynaa oo aanu ku dhaqanay in sharciga lagu kala dambeeyo” ayuu yidhi madaxweynuhu, wuxuuna intaa ku daray “Sidaa awgeed ayaa kursiga aan ku fadhiyo aanan ugu iman qori, xod-xodasho, olole iyo dhaqaale midna”.

Dhinaca xuquuqda aadamaha, isaga oo madaxweyne Rayaale ka hadlaya waxa uu sheegay inay dawladda Somaliland xurmaynta xuquuqda aadamaha, wuxuuna xusay inay ahayd wixii uu shacbigani ka gil-hishay, isla markaana ay ka mid ahayd arimihii sababay inay Somaliland la soo noqoto madax banaanideeda.

Sida uu war-saxaafadeedku sheegay madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu kala hadlay khabiirkaa dhagarihii iyo falalkii xasuuqa ahaa ee uu taliskii Siyaad Barre u geystay shacbiga Somaliland, wuxuuna u sheegay inuu ka xun yahay inaanay qaramada midoobay wax talaabo ah ka qaadin arintaa, taas oo uu yidhi waxaan faliyaa inay wax ka tari lahayd in Somaliland caalamku u garaabo.

Khabiirka Al-najaar oo taas ka jawaabaya ayaa isna sheegay in arintaa dhagaraha loo gud-biyey qaramada midoobay, ayna kaga soo jawaabeen khabiiro loo soo diray halkan (Somaliland) si ay u soo sugaan arinta, wuxuuna intaa ku daray inuu mar kale isaga laftiisu arintaa u gud-biyey golaha amaanka, uuna ka filayo inay si dhakhso ah wax uga soo baxaan.

Sida ay wararku sheegeen khabiirka Al-najaar waxa la sheegay inuu Boosaaso u tegey cabashooyin la xidhiidha inuu Cabdilaahi Yuusuf ku tacadiyey xuquuqda aadamaha marka la eego dagaalka u dhexeeya, isaga (C/laahi) iyo mucaaradka ka hor jeeda, wuxuuna Dr. Al-najaar ku guulaystay mudadii uu Boosaaso joogay in la sii daayo shan qof oo ka tirsanaa ururada xuquuqal-insaanka ee gobolkaa oo uu Cabdilaahi Yuusuf ku xidhay Boosaaso, isla markaana kulanka uu khabiirkaasi la yeeshay madaxweyne Rayaale ayaa la sheegay in arimaha ay ka wada hadleen ay ka mid ahaayeen xadhiga tifaftiraha wargeyska War-jire oo Arbacadii toddobaadkii hore ay maxkamadda degmada Hargeysa ku xukuntay afar bilood oo xadhig ah, waxaase la sii daayey shalay, laakiin faahfaahin lagama hayo sababta sii dayntiisa, waxaase la filayaa inay sii daynta qoraagu ka dambaysay tix-gelin la siiyey codsi uu khabiirka Al-najaar talo ahaan ugu jeediyey madaxweyne Rayaale in la sii daayo weriyahaa.

“Waxaanu Diyaar U Nahay Ka Qayb-Galka Shirka Nayroobi, Balse Kooxda Carta Ayaa Caqabad Ku Ah Shirka”

Waraysi – Gudoomiyaha S.R.R.C.

Addis Ababa(Haatuf): Amb. C/llaahi Sh. Ismaaciil oo haatan haya jagada Gudoomiyaha isbahaysiga SRRC, isaga oo 27kii bishii ogosto kala wareegay gudoomiyenimada Xuseen Caydiid ayaa sheegay in ururkoodu uu diyaar u yahay inuu ka qayb galo shirka Nayroobi, ee dhawaan lagu wado inla qabto balse waxa uu maamulka Cabdi Qaasim ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin shirka maadaama ay sheeganayaan in ay dawlad yihiin. Mar uu dhawaan war saxaafadeed ka soo saaray Addis Ababa

C/llaahi Sh. Ismaaciil waxa kale oo dhawaan loo magacaabay jagada M/weyne ku xigeenka labaad ee maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu gudooomiye u yahay ururka SSNM/BIRAM oo ka dhisan koonfurta Soomaaliya. Wariye Siciid Guraase oo dhawaan booqasho ku tagay  magaalada Addis Ababa ayaa Amb. C/laahi Sh. Ismaaciil kula kulmay Ghion Hotel oo u haatan degan yahay waxaanu la yeeshay waraysi dheer oo dhinacyo badan leh waraysigasina wuxuu u dhacay sedan:

S: waxaad sharax kooban naga siisaa joogitaankaaga Addis Ababa oo aad muddo ku sugnayd?

J: sababta ugu wayn ee aan Addis Ababa u joogaa waa mid caafimaad iyadoo baadhitaan la igu sameeyay dhinaca caafimaadka ah waanu ii dhamaaday haatan waxaana la ii cadeeyay inuu caafimaadkaygu fiican yahay haatana wuxuu qorshahaygu yahay inaan ku noqdo xarunta SRRC oo ah Baydhabo halkaasoo aan ka sii wadi doono hawlahayga aan hayo iyo gudashada xilkayga.

S. Waa maxay ujeedooyinka SRRC loo aasaasay? Maxaase ilaa hadda idiin qabsoomay?

J: SRRC waxaa u dhan ummadda Soomaaliyeed waxaana lagaga hortagayay wixii lagu soo dhoobdhoobay carta caalamkana waxaanu u muujinay inaanu ku socono dariiqa saxa ah hawlahayagana aanu si haboon ugu wadan karno dalka gudihiisa ujeedooyinka aanu u aasaasnayna waxa ka mid ah in la kala saaro wixii khaladka ah iyo wixii sax ah lana kala cadeeyo in lagu shaqeeyo dib u heshiisiin dhexmarta dadka Soomaaliyeed iyadoo loo marayo dariiq sax ah oo aan madmadaw lahayn, in dadaal loo galo soo noolaynta qarankii Soomaaliyeed ee burburay loona soo celin lahaa dawladnimadii la iskuna keeno dhammaan kooxaha kala duwan la iskuna soo dhaweeyo aragtiyaha kala duwan lana xaqiijiyo in wixii la soo maray aanu ahayn mid sax ah ee loo baahan yahay wax qabad cusub oo lala yimaado lagana baydho wadadii lagu socday maadaama wax natiijo ah aan laga gaadhin, si loo helo wax loo dhan yahay oo lagu wada qanci karo. Ujeedooyinkaa wax badan, wuu nooga qabsoomay wixii kalena waanu ku guda jirnaa sidii aanu wax uga qaban lahayn.

S: Haatan waxaad la wareegtay gudoomiyenimada meertada ah ee ururka SRRC muxuu yahay qorshahaagu inaad qabato?

J: Qorshahaygu waa mid laba geesood ah kaasoo ah inaan marka hore sii wado qorshahayagii dejisnaa dardarna aan galiyo hawlaha ururka iyo marka labaad inaan xooga saaro shirka Nayroobi ee la qorsheeyay in bishan gudaheeda la qabto, anaga oo dadaalkayaga isugu gaynayna inuu shirkaasi noqdo mid ka duwan shirarkii hore laguna saleeyo xaqiiqda jirta iyadoo laga shidaal qaadanayo shirarkii hore iyo wixii ay ku guuldaraysteen.

S: shirkaa idinku ma ka qayb galaysaan haddii uu qabsoomo?

J: horaanu u cadaynay inaanu diyaar u nahay ka qayb galka shirkaasi anagoon wax shuruud ah ku xidhin balse Kooxda carta ayaa shirkaasi carqalad ku ah iyagoo sheegtay inay dawlad yihiin shirkaana ay kaga qayb galayaan dawlad ahaan oo ay ku doodayaan sidii uu Cabdi Qaasim ku sheegay waraysigii ay dhawaan la yeelatay BBCdu in shirkaa lagu dhamaystiro wixii iyaga ka dhiman, waxaase isweydiin leh ma inta badan ayaa dhamaystir mudan mise inta yar? Xaqiiqdu waxay tahay inta badan baa dhamaystir mudan, taasoo ah inta kasoo horjeeda Kooxda carta, balse iyaga oo aan cidna matalin maaha inay dawlad sheegtaan dhamaystirna doonaan, anaguse waxaanu diyaar u nahay inaanu shirkaa si bilaa shuruud ku ah kaga qayb galno cida caqabada ku ahina waa Kooxda carta.

S: ma jirtaa wax qorshe ah oo aad ugu talo gasheen inaad shirkaa hordhigtaan?

J: wax aan hadda sii hormaarin karaa ma jiraan, balse waxaan la iska idha tiri karin in shirkaa lagu saleeyo qaab ka duwan shirarkii hore oo aanay soomaalidu dib ugu soo laabaan khaladkii hore in la hubiyo ergooyinkaa iyo cida ay matalaan sida ay xaqiiqo u tahay in ay dadku iyagu is xukumaan iyaga oo dooranaya cida ay xilka u dhiibanayaan, in la helo sidii la isugu celin lahaa hantida la kala haysto, in laga shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa kalsoonidii luntay marka ka dib ayaa la soo noolayn karaa qaranimo iyo midnimo ku salaysan xaqiiqo raalina laga wada yahay.

La soco qayb kale oo ka mid ah waraysigan oo uu C/llaahi Sh. Ismaaciil kaga waramo xaaladda maamul goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, sida uu haatan u shaqeeyo ururka SSNM/BIRAM iyo sida uu arko qadiyadda Somaliland iyo madaxbanaanideeda.

.

Beeralayda Gebilay Iyo Mashaariicda Lagu Taageerayo

 

Gebilay (Haatuf): Hayadda wadaniga ah ee ARDO aqoon iswaydaarsi la xidhiidha maaraynta khilaafaad ka dhexeeya qaar ka tirsan beeralayda degaanka Gebilay u furtay guddi ka kooban labaatan (20) xubnood oo ka kala socda degaamada beeralayda ee meelaha la yidhaahdo Huluuq iyo Gamsaha, wuxuuna aqoon iswaydaarsigaasi socon doonaa muddo afar maalmood ah.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan, aqoon iswaydaarsigaa ka sokow hay’adda ARDO waxay beeraleyda khudaarta ee degaankaa gudoon siisay deeq tuubooyin ah oo marka la isu geeyo dhererkoodu yahay 3700 Meter.

Munaasibadii furitaanka aqoon iswaydaarsigaa iyo bixinta deeqdaa waxa ka soo qayb galay maayar-xigeenka degmada Gebilay, C/risaaq Sh. Aadan iyo maamulaha xafiiska beeraha degmada Gebilay, C/risaaq Sh. Muxumed Gaboobe, wuxuuna maayar-xigeenka oo halkaa ka hadlay sheegay inay deeqdaa iyo tababarkani qayb ka yihiin mashruuc lagu taageerayo beeralayda yar yar ee waraabka, mashruucaas oo socon doono muddo saddex sannadood ah, waxa maal-gelinaya hayadaha CARE International iyo hay’adda USAID ee Maraykanka, waxaana la sheegay inuu mashruucaasi qaban doono waxyaalo ay ka mid yihiin dhismaha labaatan Ceel oo kuwa waraabka beeraha ah iyo labaatan mishiin oo beeraleyda bustaanta ah iyo weliba siidhka beeraha oo noocyo kala duwan ah. “Mashruucan oo wareegiisii labaad gebogebo yahay waxaanu qabanay laba tababar oo hore oo ku saabsanaa suuq geynta badeecadda iyo habka maamulka waraabka beeraha, isla markaana waxa noo hadhay afar kale oo uu kani ka mid yahay, taas oo aanu jecelahay inay beeralaydu ka faa’iidaysan doonaan” sidaa waxa yidhi Maxamuud ka tirsan hay’adda ARDO. Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay maamulaha xafiiska beeraha degmada Gebilay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Beeralayda waxaan farayaa inay ka faa’iidaystaan farsamooyinka cusub ee la barayo, wax soo saarkoodana ay kordhiyaan.

Maayar-xigeenka Gebilay ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna beeralayda kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan fursadahan cusub ee u soo baxay, ugu dambayna Nuux Batuun oo ku hadlaya magaca beeralayda ayaa munaasibadaa ka hadlay, waxaana weedhihiisa ka mid ahaa “Waanu dedaali doonaa, laakiin koleyba waxaanu jecelahay inaad arimahayaga la socotaan oo naga war haysaan”.

Taliyihii Ciidanka

Asluubta Somaliland Oo Geeriyooday

 

Hargeysa (Haatuf): Alle ha u naxariistee, taliyihii ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Jibriil Cabdi ayaa shalay ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaal magaalada Hargeysa, waxaana marxuumkaa isla shalay gelinkii dambe lagu aasay xabaalaha loo yaqaan xabaalaha Qaranka ee magaalada Hargeysa, waxaana aaskiisa ka qayb galay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin iyo mudanayaal baarlamaanka ah, wasiiro, saraakiil ciidamada kala duwan ah iyo dad kale oo tiro badan, iyadoo taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Somaliland, marxuum Maxamed Jibriil loo aasay si heer qaran ah.

Marxuumkaa waxa la filayaa inuu u dhintay wadno xanuun la sheegay inuu ka cabanayey ama u bukey maalmihii u dambeeyey.

Marxuum Maxamed Jibriil waxa muddo dheer ahaa sarkaal ka tirsan ciidamadii dawladdii Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu markii dambe ka mid noqday hogaamiyaasha ciidamada Somaliland, wuxuuna ilaa laba goor oo kala dambeeyey qabtay xilka taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland, isaga oo sannadkii 1999-kiina mar noqday taliyaha ciidanka booliska Somaliland, iyadoo xiligaa laga bedelay taliyaha ciidanka Asluubta, laakiin mar kale ayaa haddana dib loogu soo celiyey jagadiisii taliyaha ciidanka Asluubta, isla markaana marxuumkaasi waxa kale oo uu muddo dheer ahaa taliye-xigeenka ciidanka Asluubta.

Alle ha u naxariistee marxuumkaasi waa ninkii saddexaad ee geeriyooday, isaga oo haya jagada taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland.

Shaybaadhka Xeel-Dheere Ku Xidhan Yahay Sannad Iyo Badh

 

Shaybaadhka la yidhaahdo Xeel-dheere oo ku yaal magaalada Hargeysa waxa horaantii sannadkii hore soo food saaray muran ka dhex-oogmay saamilaydii uu ka dhexeeyey, taas oo keentay inay hayadaha nabadgelyadu soo dhex galaan khilaafka dhex maray saamilayda shaybaadhkaa, waxaana iska soo daba baxay amaro kala duwan, ka dib markii ay dacwado dhex-mareen dadkii hantida wada lahaa.

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa markii u horaysay shaybaadhkaa amar xayiraad ah ku soo rogtay bishii March 7, 2001. “Waxa taliyaha saldhigga booliska New Hargeysa la farayaa inuu xayiro shaybaadhka ku yaal xaafadda New Hargeysa ilaa uu amar dambe ka helo maxkamadda gobolka Hargeysa” ayey maxkamaddu ku tidhi amarkeeda. Hase yeeshee maxkamadda racfaanka Hargeysa ayaa mar kale qaraar ka soo saartay shaybaadhkaa, waxayna maxkamadda racfaanku burisay amarkii xayiraadda ee maxkamadda gobolka Hargeysa, iyadoo tidhi “Maxkamadda racfaanku waxay burisay amarka xayiraadda maxkamadda gobolka Hargeysa ee lambarkiisu yahay MGH/35/2001 oo soo baxay 07/03/2001, taas oo uu dhinicii danaynayaana dacwad madani ah ka furan karo maxkamadda awoodda u leh qaadista dacwadda”.

Maxkamadda Racfaanka Hargeysa markii ay go’aanka xayiraad ka qaadista ah ka soo saartay shaybaadhka Xeel-dheere waxay 11-kii March 2001 waraaq u qortay saldhigga booliska xaafadda New Hargeysa, waxayna maxkamaddu qoraalkeeda ku socod siisay taliyaha saldhigaa, iyadoo ku amartay inuu fuliyo amarka xayiraad ka qaadista shaybaadhkaa ee ka soo baxay maxkamadda racfaanka. “Maxkamadda racfaanka W/galbeed iyo Saaxil waxay ku faraysaa inaad shaybaadhkaa ka qaadaan xayiraadda ay saartay maxkamadda gobolka Hargeysa, oo ay maxkamadda racfaanku burisay”ayey maxkamadda racfaanku ku tidhi qoraalka ay ku amartay taliyaha saldhigga booliska New Hargeysa. Laakiin taliyaha saldhigga booliska New Hargeysa (Cali Maxamuud Faarax) ayaa markii uu soo gaadhay amarkii maxkamadda racfaanku jawaab ka bixiyey, wuxuuna taliyuhu jawaabtaa dib ugu celiyey maxkamaddii racfaanka, wuxuuna maxkamaddaa ku war geliyey inuu shaybaadhku weli sii xayirnaan doono, isaga oo taliyuhu qoraalka uu maxkamadda racfaanka u diray ku yidhi “Tixraac xaashida sumadeedu tahay MGH/35/2001 ee 7/3/2001, kana soo baxday maxkamadda gobolka Hargeysa, ahaydna in la xayiro shaybaadh, ka dibna markii aanu xayirnay ay maxkamadda racfaanku ka soo saartay xayiraad ka qaadista sumadeedu tahay MRH/QRL/10/2001 ee 11/3/2001.

Hadaba waxaanu maxkamadda racfaanka gobolada W/galbeed iyo Saaxil la socod siinaynaa inuu shaybaadhkaasi weli ku xayiran yahay amar uu bixiyey taliye-xigeenka qaybta booliska Hargeysa, isaga oo tixgelinaya nabadgelyada awgeed, sidaas ayaanu warbixintan idiinku soo gud-binay” ayuu taliyahaasi qoraalkiisa ku soo gebagebeeyey, isaga oo amarkii maxkamadda racfaanka kaga jawaabay qoraalkaa, taas oo muujinaysa inaanu qaadan amarkii maxkamadda racfaanka ee ay ahayd inuu fuliyo. Sidaa awgeed ilaa hadda xal looma helin khilaafka sannad iyo badh ka hor ka dhex-oogmay saamileyda shaybaadhka Xeel-dheere ee sababay inuu shaybaadhkaasi xidhmo, iyadoo ay shaybaadhkaa ilaa hadda xaaladiisu hirig tahay, waxaana sida qoraalka maxkamadda ku cad isku haya shaybaadhkaa dadka ay magacyadoodu kala yihiin: Axmed Muuse X. Cabdi oo dhinac ah iyo iyo dhinaca kale oo ah 1-Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, 2-Maxamed Iid dhimbiil iyo 3-Maxamed Xasan. 

“Haddii Aanan Go’aan-Qaadasho Lahayn, Sidee Baan”

Axmed Siilaanyo

Faaqidaad ku saabsan Marxaladda Maanta iyo Atoorayaasha Masraxa Siyaasadda Taagan

 

Hogaaminta SNM markii la ii dhiibayay anigu ma doonanin, ee waxay ahayd mid la ii gartay oo waliba la igu cadaadiiyay inaan qabto.” Sidaa waxa yidhi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), mar aaan wax ka weydiiyay marxaladii siyaasadeed iyo hogaamintiisii ururka SNM. Axmed Siilaanyo wuxuu xusay sababtii ay SNM u baabi’I weyday sidii ururadii kaleba u baaba’een, inay ahayd mid ka dhalatay qaab siiyaasadeedkii ururka SNM u dhisnaa, oo ka duwanaa qaababkii ururadii kale u dhisnaayeen. “SNM  waxay ahayd urur ballaadhan oo mee walba gudiyo ku  lahaa, oo shacbi ah. Inta badana waxa taladiisa hayay siiyaasiyiin shicib ah, ssidaa daraadeedna SNM waxay lahayd laba garab, mid milatari iyo mid Siyaasadeed oo is waraabinayay, taasina waa ta sababtay in SNM kaligeed ka soo hadho ururadii kale ee hubaysnaa.”  Axmed Maxamed waxa kale intaa ku sii ladhay oo uu yidhi “ tusaale ahaan, C/laahi Yuusuf wuxuu ka dhigay SSDF Milatari rigaysan. Wuxuu baabi’iyay qaybtii Siyaasadeed, hogaamintiina wuxuu ka dhigay mid milatari, taasina waxay keentay inay ka yaacaan aqoon yahaykii, siiyaasiyiintii iyo wax garadkii kaleba, meeshiina waxaay noqotay gabaahiir, halkuu ku danbeeyayna waa la ogyahay.”

Dadka qaar waxay ku doodaan Axmed Silaanyo wuxuu xilkii gudoomiye-nimo ee SNM ka degay iyadoo colaad xumi dhextaalo isaga iyo saraakiishii Ciidanka, taasina waa ta dhalisay ayaa la yidhaahdaa, in wakhtigan xaadirka ah ay siyaasadiisa uga soo horjeedaan saraakiil ururkaa ka tirsanaa, kuwaasoo arrimaha siyaasada u xuub siibtay wixii ka danbeeyay la soo noqoshadii madaxbanaanida, oo qaarkood ay xilal Siyaasadeed oo kala duwan ka soo qabteen xukuumadihii hore, haddana aanay ka madhnayn masraxa siyaasada ee ay ka  muuqdaan. Inkastoo ay jiraan qaar saraakiisha ka mid ahaa oo taageersanaa siyaasadiisa, haddana waxaan meesha ka madhnayn in hirdan xoog lihi dhexmaray xiligii uu hogaanka ururka haya isaga iyo qaar badan oo ka  mid ahaa saraakiishii Ciidanka, kuwaasoo la rumaysan yahay fikrad ahaan inay ilaa hadda iska soo horjeedaan.

Haddaba mar aan Axmed Siilaanyo wax ka weydiiyay arrintaas, wuxuu ku jaawaabay; “arrinta aniga iyo saraakiisha, runtu waxa weeye saraakiil aanu anagu col nahay Horta ma jirto. Dadkayagii halganka soo wada galayna, haddii aragtiyo lagu kala duwanaa, waxan qabaa wax badan oo naga dhexeeya oo ilaa maanta muuqda ayaa jira. Waayo taariikh baanu wadaagnaa, halgan baanu wadaagnaa, dad siyaabo badan dadka isagaga sokeeya ayaanu nahay.” Axmed isagoo arrintaas ka sii hadlaya wuxuu yidhi; “marka laga hadlo khilaafaadkii iyo wakhtigii halganka waxa weeye halgan intaa leeg khilaafaad way imanayaan, iska hor-imaad wuu imanayaa, is xag-xagashana way imanaysaa, taasi se ma ahayn mid aniga iyo saraakiisha ku eg. Saraakiisha dhexdooday jirtay, hogaan kasta oo ururka soo maray iyo saraakiisha qaarkood bay jirtay. Hogaan kasta oo ururka soo marayna marba saraakiisha qaar taageerayay waa  jireen, qaar ka soo horjeedayna waa jireen. Xitaaa markii C/Qaadir Koosaar ilaahay ha u  naxariistee uu xilka hayay, isagoo sarkaal ahaa haddana saraakiil ka soo horjeeday way jireen, imikana  anigu ma ogi wax colaad isu qaba. Aniga iyo iyagana yaan la odhanin, waayo waxaan qabaa in dareen ka weyni naga wada dhexeeyo.”

Axmed Siilaanyo wuxuu carabka ku dhuftay oo uu si wayn u amaanay saraakiishii SNM, waxa dhintay iyo wax noolba, waxaanu sheegay inay ahaayeen lafdhabartii halganka. “Maalinta dagaalka cida muuqataa waa saraakiisha Ciidanka, markaa waxan qirayaa inay saraakiishii SNM ahaayeen libaaxyo halgamay. Intoodii dhimatayna waxaan ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno siiyo, inta noolina waa geesiyaal soo halgamay.” Ayuu yidhi Axmed Maxamed Maxamuud. Waxaanu intaa ku ladhay inaanay marnaba dhicin inay saraakiishii SNM dhinac isu wada raacaan, mar walbana waxa jiray ayuu yidhi, “hogaan kastaba saraakiil taageeri jirtay iyo qaar ka soo horjeeday.”

SAAMAYNTA DAREENADA DHACDOOYINKA

Sida qaalibka ah dabeecadaha siyaasada waxa ka mid ah, dhacdo naxdin leh oo huq ku reebta siyaasiga iyo farxad yididiilo gelisaba. Hase yeeshee labadooda midna joogto maaha oo way isbedbedalaan, balse waxay qofka siyaasiga ah ku reebaan raad ka duwan ka ay ku reebaan dadka kale ee caadiga ah. Siyaasiyiinta qaarkood naxdinta badan ee hogaamintooda la kulantaa waxay selel gelisaa dareenkooda caafimaad, qaar kalena farxada badan iyo kool-koolintu waxay khal khal gelisaa siyaasadooda iyo qaabka ay wax u maamulayaan oo u baahan daymo ka fiirsi badani weheliyo. Haddaba, waxay isweydiintu tahay muxuu Axmed Siilaanyo ka xasuustaa dhacdooyinkii farxadda iyo naxdintaba lahaa ee soo  maray intuu siyaasada ku jiray. “Runtii way badan yihiin, laakiin aayaamihii farxadda waxaa ka mid ahaa, maalintii aan goostaay oo ii ahayd guul iyo farxad shakhsi ah, maalmaha kale ee aan ugu farxada badnaa waxay ahaayeen maalin kasta oo SNM guulaysato , goob gaar ah iyo mid guudba.” Axmed wuxuu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi “ waxa ka mid ahaa maalintii jeelka Mandheera loo dhacay, maalintii C/llaahi Askar lala baxay iyo goob kasta oo SNM ku guulaystatayba. Maalintii calanka S/land la saaray iyo maalmo badan oo kale.” Dhinaca kale dhacdooyinkii murugada iyo naxdinta lahaa isagoo ka hadlayana wuxuu yidhi; “ maalin kasta oo dhibaato inagu timaadoba dabcan naxdinteeday lahayd, oo waan ka naxayay. Maalmuhuna way badnaayeen, oo waxa ka mid ahaa, maalintii Burco-Duuray, oo rag badan oo qiimaha lahaa SNM ka dhinteen, sida Lixle iyo Qaar kale oo badan. Waxa ka mid ahaa maalintii C/Qaadir Koosaar dilkiisii naloo soo sheegay, waxa ka mid ahayd tii ku dhacday Aaden Shiine, Ilaahay ha u naxariistee, iyo rag badan oo kale, oo dhammaantoodba ahaa qaar aan aad uga naxay. Maalin kasta oo dhibaato dhacdaba waan ka naxayay sida dadka kaleba uga naxayeen. Imikkana markasta oo dhexdeena wax ka xumaadaanba waan ka naxaa.”

HIBASHADA FURSADAHA SIYAASADEED EE SIYAASIGU ISKA LUMIYO

Waa wax iska caadi ah in qofka aadamaha ahi isku ciil kaambiyo fursad wanaagsan oo soo martay, balse uu iska lumiyay. Waana wax iska dhaca in qofku aanu mar wada helin fursada iyo talada uu ku hanan karo, taasina waa sababta keenta in qofku goor danbe oo wixii dhaafeen uu talamo. Sidaa daraadeed, waa wax dhici kara in Axmed Siilaanyo laftiisu uu hiban karo fursado soo maray, hase yeeshee, intaanan taa isku qancin, bal aynu eegno wuxuu Axmed Laftiisu ka yidhi mar aan su’aal arrintaas ka weydiiyay. “ runtii markaan ka hadlo siyaasadu marba duruuf bay leedahay, laakiin anigu ma ihi dadka baawarka jecel ee iska daba rida.  Metelan SNM markii la ii dhiibayay hunguri iguma jirin ee waa la ii gartay.” Axmed isagoo jawaabta su’aashaa sii amba-qaadaya wuxuu intaa raaciyay oo uu yidhi, “anigu waxaan la yaabi jiray ilaa haddana aan isweydiiyaa Madaxda Afrikaanku maxay kursiga isugu sii dhejiyaan. Anigoo taa aaminsan ayaan is tusay aniga qudhaydu in aanan ku sii raagin kursigii hogaaminta SNM ee aan ka dego, waanan ka degay, iyadoo aanay cidina I khasbin, waayo waan heli karayay inaan is sharaxo oo aan tartamo. Hase yeeshee, anigaa jeclaa oo goostay sidaa. Laakiin waa jireen ilaa haddana waa jiraan dad igu yidhaahda berigaa khalad baad samaysay, balse anigu ma qabo, oo maan ahayn baawar doon, ismana tusin fikrada ah intaad soo ridiqday ayaad midhkii u danbeeyay ka kacday, sidaa aawadeed taana iskuma ciilkaambiyin, intii ka dambaysayna wax kale oo aan isku ciilkaambiyaa ima soo marin. Dabcan, mar walba arrin baa soo baxsanaysay markaa mid walba mawqif aan is leeyahay waa kii xalaasha ahaa ayaan ka qaadanayay. Mar qudhana yoolka kamaan dhigayn aniga madaxtinimadayda.

QAADASHADA GO’AANADDA KHALDAN

Maaha wax la yaableh in qofka bani’aadamka ahi go’aan khaldan gaadho. Sidoo kale waxa aanay su’aali ka taagnayn qof kasta oo aadame ahiba in uu khalad geli karo. Qofka masuulka ah ee ummad hogaamiyaana waa la mid oo wuu gaadhi karaa go’aan wadar badani khalad u aragto, balse isaga sax ugu muuqday. Hase ahaatee waxa laga yaabaa in madaxdu ku kala duwan tahay habka go’aaminta, taasina ay tahay ta yaraysa ama badisa, go’aan qaadashada khaldan iyo ta saxda ahba. Isla-markaana waxaan muran ku jirin in qof kastaaba uu xusuusto go’aanadii khaldanaa iyo kuwii saxnaa ee uu qaatay, ka dib marka uu arko mid kastaba saamayntiisa. Inagoo taa ka duulayna bal aynu inyar indhaha ku nasino wuxuu Axned Siilaanyo ka yidhi arrintaas. “go’aan khaldan, laba maalmood baan isweydiiyaa, weli maan go’aansan inay khaldanaayeen laakiin waan isweydiiyaa.” Axmed Maxamed oo bayaaminaya labadaa qodob, wuxuu yidhi; “mid waxa weeyi ka degistii gudoomiye-nimadii SNM, waxaan idhaahdaa maxay noqon lahayd. Mida kale ee aaan isweydiiyaa waxa weeye, shir 1987 ururku ku yeeshay Harar, ayaa waxa jirtay in la igu yidhi gudigaaga fulinta hebel iyo hebel ka bedel, taasoo aaan diiday, dabadeedna aanu koox dhan sidaa isku seegnay. Anigu waxaan idhi igu qanciya oo qofku wuxuu bi’iyay I taabsiiya, haddii kale ma arko sabab aan u eryo. Arrintaasi saamayn bay yeelatay, hase yeeshee, midnaba iskumaan ciilkaambiyin ee waan isweydiiyaa uun. Maalin aan isku ciilkaambiyo oo aan idhaahdo maalintaas waxbaad qaladayna ma garanayo.”

Axmed Siilaanyo wuxuu xusay inaanay taa macneheedu ahayn inaanu khaldamin, laakiin waxa weeye ayuu yidhi; “aniga had iyo gooraale hogaamintaydu waxay u badan tahay wada tashi.”

XAMILKA IYO DULQAADKA HOGAAMINTA

Qofka siyaasiga ah ee doonaya inuu umad hogaamiyo waxyaabaha lagu qiimeeyo waxa ka mid ah dulqaadka iyo xamilka uu u leeyahay duruufaha soo food saara. Sida la wada og yahayna waa wax iska cad inaanay dadku isku dul-qaad ahayn, dadka siyaasiyiinta ahi waa sidaas oo kale oo mid adkaysi leh iyo mid caban oo wax kastaba ka hadal celiya labadaba waa leeyihiin.

Hadaba, iyadoo lagu kala duwanaan karo aragtida duleed ee laga qabo iyo dul-qaadka siyaasiga Axmed-siilaanyo, laakiin bal aynu eegno sida uu isaga laftiisu isu arko. “waxaan qabaa inaan dul-qaad badan inaan u leeyahay taas. Koley siyaasiyiinta inta badan wax baa la odhanayaa oo ay saxaafaddu ka qoraysaa. Hase ahaatee waxa lagu kala gartaa, ninna bitigtii yar ee soo baxdaba wuu ka jawaabaa ninna kuma degdego”, wuxuuna intaa ku ladhay oo uu yidhi “Tusaale ahaan anigu berigii dhowayd ee aan dhex-dhexaadinta wadey ee aan idhi hala wada hadlo wixii raadyowga dawladdu iga sheegayey iyo wixii jaraa’idka dawladdu iga qorayey iyo ololihii ay igu qaadeen-ba ilaa wiiggan waa socdey. Adiga ayaan kugu soo celinayaaye (Weriyaha) imisa ayaad aragtay mid aan ka jawaabay”.

Gudoomiyaha ururka KULMIYE, isaga oo weli ka hadlaya isla qoddobkaas wuxuu yidhi “Wax waa wax qofka laga sheego, waxna waa wax mabdi’iisa laga sheego, markaa aniga waa kala qiimeeyaa, oo wixii mabda’ ku saabsan waa waajib inaan ka jawaabo, laakiin waxa shakhsiga ah ee aan qiimaha lahayn kuma dheereeyo”.

GO’AAN QAADASHADA

Marka laga hadlayo arimaha go’aan qaadashada shakhsiga ah, ra’yi ahaan waa la isku khilaafaa sifaynta go’aan qaadashada Axmed-Siilaanyo.

Dadkii ay soo wadaageen waayihii halgankii SNM, waxay qaybo ka mid ahi ku doodaan inuu yahay siyaasi go’aan qaadasho cad leh. Qaar kalena waxay yidhaahdaan ma aha nin si degdeg ah go’aan uga qaata arin u baahan in si dhakhso ah talaabo looga qaado, hase yeeshee ma aha nin ka noqda go’aanka uu ka  qaato arintaa marka dambe. Qaar kale ayaa, iyaguna Axmed-Siilaanyo ku tilmaamay inuu yahay nin aan go’aan qaadasho cad lahayn.

Si kastaba haloo dhigee aragtiyahaasi waxay ka midaysan yihiin inuu Axmed yahay siyaasi leh xirfad hogaamineed, taasina ay tahay ta saamaxday inuu 6 sannadood hayo hogaankii ururka SNM.

Marka faaqidaadaa laga yimaado bal aynu yara milicsano waxa uu Axmed ka yidhi arimahaa iyo sida uu isagu u arko go’aan qaadashadiisa. “Waaba cajiib, weligay iyo allahay wax yidhi Siilaanyo ayaa go’aan qaadasho lagu dhaliilaa maanta ka hor maan maqal, ilaa yaraantaydiina xataa maan maqal. Intaan iskuulka ku jiray guddiyada madax baan u ahaan jirey, mana arag wax leh go’aan qaadasho ayaa lagu dhaliilaa”.

Axmedm isaga oo sii sharaxaya isla qoddobkaa wuxuu yidhi “Aniga hogaamintaydu wada tashi bay u badan tahay, dadkana waan la tashadaa, inta badan waa macangag baa lay yidhaahdaa, waan arkay dad yidhaahda go’aankiisa kama noqdo, markaa bal meesha aan go’aan ila gud-boonaa ku qaadan waayey tee bay ahayd. Anigu waxaan moodayey inay quwadayda ugu wayni tahay go’aan qaadasho. Midda kale hadii aanan go’aan qaadasho lahayn sidee baan urur ballaadhan (SNM) oo intaa le’eg dhibaatada uga soo saari lahaa, iyadoo ay ururadii kale wada baaba’een”.

La soco qayb kale oo uu Axmed-Siilaanyo kaga jawaabayo su’aalo kale oo xiise leh.

Golaha Dhexe Ee

ASAD Oo Doortay Shir-Gudoon

 

Hargeysa(Haatuf):- Golaha dhexe ee ururka ASAD oo shirkiisi koowaad uga socdo magaalada Hargeysa ayaa shalay doortay gudooomiye gudoomiye kuu xigeen iyo xoghaye.

Muj: Ibraahim Ibraahim Xuseen (dhegaweyne) oo ka mid ahaa saraakiishii sare sare ee ururkii SNM ayaa loo doortay Inuu noqdo Gudoomiyaha Golaha dhexe ee ururka ASAD, gudoomiye ku xigeena waxa loo doortay nin lagu magacaabo xuseen Axmed Caydiid oo isna ka tirsana saraakiishii SNM.

Halka jagada xoghayhana looga doortay nin lagu magacaabo Yuusuf Faaraax Sharma’arke.

Ibraahim Dhegaweyne waxa uu shirku xilkaas ugu doortay cod buuxa, ka dib markii Siciid Maxamed Nuur oo jagadaas isu taagay uu uga tanaasulay Ibraahim.

Shirka Golaha dhexe ee ASAD waxa kale oo uu shalay doortay guddi toddoba xubnood ah oo loo saaray inay soo qabyo tiraan xeerarka iyo shuruucda ururka ASAD, kuwaasoo uu shir weynihii ururku u igmaday dhamaystirkooda Golaha dhexe. Waxa lagu wada inay guddigaasi shirka ku soo celiyaan salaasada jawaab. Shirka Golaha dhexe ee ASAD oo furmay sabtidii, waxa uu sii socon doonaa dhawr maalmood oo danbe, siday Haatuf u sheegeen xubno ka tirsan golahaasi

Dood Lagu Lafa-Guray Hababka Horumarka Lagu Gaadho Oo Hargeysa Ka Dhacay

 

Kulan ay soo qaban-qaabisay Gabboodka Haweenka ee NAGAAD, oo ay iska kaashadeen hay’adda Care International, ayaa shalay ka furmay Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Prefessoro, saraakiil dawladda ka tirsan, xubno ka socday hay’adaha madaxa-bannaan iyo saxaafadda, wuxuu ahaa ambo-qaadka kulan hore oo lagaga hadlayay hannaanka horumarinta ee Somaliland, dadka iyo dalkaba.

Kulankaas waxa casharo u gudbiyay ka soo qaybgalayaashii, hagayayna fikrado iis-weydaarsiga oo khuseeyay dhinacyada horumarka Prof. Idiris C/laahi iyo Saado Xaashi Cawad oo ah Agaasimaha Fulinta ee NAGAAD oo Maamulka kulanka isku dubariday.

Amran Cali Xiis, oo ah Agaasimaha agaasimka qaabka farsamo ee wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Bulshada ee Somaliland oo ka hadlaysay horumarinta Somaliland ayaa tidhi; “Haddaynu ka hadlayno Somaliland, Somaliland caqabadda hortaagan ugu horrayn waxa weeyaan ictiraaf la’aanta ayaa carqalad xooga ku ah.”

Amran oo ka hadlaysay arrimaha horumarinta waxa kale oo hadaladeedii ka mid ahaa; “Tan labaad haddaynu ahayn reer miyi (70%) booqlkiiba toddobaatan oo aynu xoolo-dhaqato ahayn, xoolaheenuna meel qudha ay tegi jireen, meeshiina ay ina cuna-qabataysay, waxay ahayd in dadkeena wax bartay ee aqoonta leh ay hore u sii ogaadaan in haddii dadku ay wax qudha ku tiirsanaadaan (Dependent), oo ay meel qudha tegi jireen xoolaheenu meeshii wax kastaa ku dhici kara, taa maynu ogaanin markaa iminka wixii wuu inagu dhacay khaladkii. Haddaba waxaan anigu qabaa haddii aynu (Insha Allaah) horumar doonayno in reer Miyigeena waxyaalahan ay so doonanayaan in horta loogu geeyo meeshooda, haddii aynu kari karno oo ay tacliintu ka mid tahay, caafimaadku ka mid Yahay, waxa weeye inankii yaraa, inantii yarayd, iyaga oo adhigii, geelii raacaya ayay haddana wax dhigaan karaan.”

Agaasime Amran Cali Xiis, iyada oo ka hadlaysa duruufta dhaqaale ee hadda haysata qaybo badan o ka mid ah bulshada, waxay tilmaantay in xilliyadii hore ay dadka u suurtogelaysay inay ugu yaraan carruurtooda u heli karaan inay ku daraan malcaamadaha, laakiin hadda aan dhaqaalaha liita awgii qoysaska Somaliland in badan oo ka mid ahi aanay awoodin inay ku daraan carruurtooda malcaamadaha.

Mr. Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-guray), oo ka tirsan hay’adda FOPEG (Forum for Peace and Governance), ayaa isna ka hadlay in qaabka dadkeenu xoolaha u dhaqdaan aanu ahayn mid keenaya faa’iido dhaqaale, Waxaanu yidhi; “Fursadaha dhaqaale ee la haysto, inaga qaybaha dhaqaalaha (Economic Sectors), xoolaha, beeraha, waxaynu leenahay khayraad badan oo badda ku jira oo aynaan ka faa’iidaysan, macdano ayaa jira, horumarinta tas-hiilaadka khayraadka, horumarinta dadka ka hawlgalaya hawlaha horumarka dalka, ganacsiga caadiga ah, haddaba meelaha aynu ka lidano ee dhaqaalaheenana laf-dhabarta u ahaa sida xoolo-dhaqashada iyo beeraha, haddii aynu xoolo-dhaqashada soo qaadano xoolo-dhaqato ma nihin, xoolo-raacato ayaa la ina yidhaa, oo xoolaha ma dhaqanee waynu daba soconaa, dabeecadu siday tahay ayuunbaynu la nool nahay. Ninka dhaqaa waxa weeye, ninka isagu qorsheynaya ee intaas oo nooc inana lahaado, sannadkan intaas oo neef inaan ka diyaarayo oo aan dhoofiyo, intaasi inay ku korodho oo uu daaqoodu qorshaysan Yahay, biyahooduna qorshaysan yihiin weeye xoolo dhaqashadu. Innaga maalinba meesha uu roob ka da’o ayaa la geynayaa xoolaha, hadduu meelba ka di’i waayo waa kuwaa xoolihii dhimanaya, markaa inagu ma dhaqanee xoolaha waynu raacnaa, waa in la isku xidhaa horumarkii qofkan daba-socdaa u baahnaa ee waxbarashada, caafimaadka iyo waxyaabaha kale ee neefka noloshiisu u baahan tahay, in iyaga laga soo saaro (xoolaha) oo ay isku xidhnaadaan. Waxa aynu naqaanay geela oo soddon (30) qada, laba halaad oo Tog-wajaale lagu xidhay meel yar oo la xareeyay cawskoodii iyo biyahoodii ku haysta halkaa, waxaa la lisaa shan jeer maalintii, hashuna maalin walba way cabaysaa biyihii, waxaanay ka faa’iido bateen konton geel ah oo ayda (kaymaha) ku jira.

C/kariin Aadan Cumar oo ka socday wasaaradda Daaq iyo Horumarinta Miyiga ee Somaliland oo ka qaybqaadanayay fikir-isweydaarsigaa ayaa sheegay in hadda ay ka socoto Somaliland dadkeeda oo aad u soo gelaya magaalooyinka, iyaga oo ka imanaya qaybihii wax-soosaarka Somaliland ee xoolo-dhaqashada iyo beeraha, taasina haddii ay sii socoto ay Somaliland la kulmi doonto dhibaato dhaqaale oo wiiqda horumarka dadka iyo dalka Somaliland.

C/kariim wuxuu intaa ku daray, in xilliyadii hore ay ka jiri jireen Somaliland dugsiyada waxbarashada ee hoyga leh (Boarding Schools), kuwaas oo kaalin weyn ka qaadan jiray waxbarashada caruurta qoysaskoodu ay reer miyiga yihiin ee Somaliland.

Prof. Idiris C/laahi oo ka jawaabayay su’aal ahayd macnaha erayga horumar iyo sida uu ku yimid, ayaa ku jawaabay; “Waxa laga soo gudbay xilli ay dadka adduunka ku nooli beeralay ay wada ahaayeen oo ay ku koobnaayeen meelo kooban oo degaano ah, dabeeto magaalooyinka ayaa abuurmay, magaalooyinkii waxay la yimaadeen durufahooda dhaqaale, baahidooda, markaa waxay noqotay in qaabkii dhaqaaluhu is beddelay oo isu beddelay mid ku salaysan waxyaalaha ay dadku soo saaraan, markaa hadda waxa jira shirkado qabanaya waxyaalo badan, hadday beero tahay iyo hadday noqon lahayd wixii kale ee uu dhaqaalaha kobociisu ku jiro.”

C/laahi Sheekh oo ah Mudane ka tirsan golaha Guurtida Somaliland oo ka mid ahaa aqoonyahanadii kulankaas ka soo qaybgalay ayaa ka hadlay sida loogu baahan Yahay dhiirigelinta iyo isticmaalka waxyaabaha ay soo saaraan beeralayda reer Somaliland.

Md. C/laahi Sheekh, waxa kaluu taabtay siday la xisaabtan la’aan awgeed si khaldan ugu lunto deeq loogu talogalay inay soo gaadho dadka reer Somaliland iyo dayacnaanta tashiilaad badan oo loo baahnaa in laga hirgeliyo degaanada Somaliland, kahor intii aan lagu soo celin qaxootiga dibedda kaga maqnaa Somaliland.

Casharada iyo dooda hannaanka horumarinta Somaliland (development dialogue workshop) ee ka furmay shalay Hotel Xaraf – Hargeysa, ayaa ka sii socon doonta halkeedii maanta oo ah maalintii ugu dambaysay kalkan, doodaas oo hore la isugu yimid kulamo kan ka horreeyay.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Xukuumaddu Xad Ha

U Samayso Reer Alloore

 

Dacawada sida lagu yaqaan waa duur joog xeelad badan oo dilaa ah, lagama soo gaadho wixii ay ka itaal roon tahay ee cadkeeda ku yaal, siiba waxay si gaar ah u jeceshahay baraarka iyo sumalka uu subagu da’ayo. Markaas hooyo waliba waxay carruurteeda socod baradka ah ee duleedka la joogi kara baraarka raad baradka ah bartaa luuq heeseedka uu gaadhka kaga haynayo baraarka si ayna dacawadu xoolahooda si dhuumasho leh uga cad-goosan. Haddaba waxaan maqaalkani ku baraarujiynayaa dadka waaweyn ee weli maqal in dacawadu maanta tahay reer Aloore iyo duulkooda oo kolba kambalka iyo miscirirta qoyskayaga mar walba laga soo dusinaayo, iyadoo si buuxda loo wada ogsoon yahay inay yihiin raggii waxaynu ogayn na baday, mar walba waxay reer Aloore isku soo shabahaan sawir aan doqontu ka didin, kuwaasi oo kala ah.

-          Kaalaya  aynu wada cadaloolnee, waa wafdigii garsoorayaasha ciyaaraha

-          Kol kaalayaa aynu goo-gaalaysanee, waa sidii xeerarka xuquuqul insaanka aan wax iska waydiinee waa xeesha gudiga midaysan ee xukuumadu u ogolaatay in guddi midaysan aan wada ;yeelano reer Aloore oo xuquuqul insaanka u hadla, oo Hargeysa lafteeda ay kaga dhawaaqeen in ummadoo dhani ayna lahayn wax u hadla, oo ay u jeedaan, dadka reer xamarka ah iyo oromada oo ay la damacsan yihiin inay Hargeysa ka noqdaan jaaliyado degen.

-          Kol kaalaya na tukiya anagu reer aloore salaadu isu kaayo qaban maysee, walaal imaamka noo noqda

Waxaan leeyahay  reer woqooyigu ka ilbiximaayaan, shacbi ahaan anagu manaan ogayn meel aanu kula heshiinay reer aloore, oo ma rabno kolba anagoo hurgumadii hore qabna, inaad kolba hoygayaga noogu soo xaraysaan oo dhawaaqooda qoomamo aanu ka qaadno, waxa habboon ninkii ay barasho ugu laaban tahay inuu hogeeda ugu tago. Hargeysa maanta waxa dhex ceegaaga dadkii hurgumo kasta dadka u gaystay oo haddana aan carrabkoodu dib uga laabmayn, isla markaasina kolba waftigoodii reer alloore Hargeysa ugu imanayo oo huteelada Hargeysa kilaab kula kulmayo, waxaan leeyahay xad dadkaas ha loo sameeyo, dawladuna dib dambaysa yeyna reer alloore shirkooda, sheekadooda noogu keenin annaga waxay nooga dhigan yihiin dhoosay.

Maxamed Axmed Cabdi (Faxam) Hargeysa

Dhaliishii Waxa Yeeshay Ragga

Gari laba ruux kama wada qosliso, haddii aan sifeeyo ujeedada fikraydaydan, mawduucan waxaan ku horaynayaa bogaadinta haweenka.

Waxaan u hambalyaynayaa boqolkiiba in ka badan haweenka soomaliland ee u shaqeeya dawladda kuwaas oo hawshooda sida waajibku yahay u guta.

Haddii aan ku fahamsiiyo sida waajibku yahay xafiis kasta rag iyo dumar ayaa wada shaqeeyo Haddaba haddii aad u muraado xafiisyada mid ka mida oo hawshaadu ka bilaabato miis gabadhi fadhido waxa hubaal ah inay si hufan kuugu qabanayso iyadoon ku leex-leexin taas ayay ku mutaysteen guusha hambalyada

Dhaliisha waxa yeeshay ragga sababtoo ah haddii halka aad kusoo horaysay miiska ay gabadhu fadhiday mid uu fadhiiyo nin, marnaba wuxuu ku siinayaa tusaalihii aad ku garan lahayd inaad wax bixiso (laaluush) oo ah leex-leexin dhaliisha sidaas ayay ku raacday gari allay taqaanaaye

Cali Axmed Goole Hargeysa

WAADIGA CIYAARAHA

Hargeysa Spring Water Oo

Ku Guulaysatay Koobka SYSTO

 

Harg (Haatuf):- Kooxda kubadda cagta ee Hargeysa Spring Water, ayaa ku guulaysatay SYSTO, markii ay 2-0 kaga badisay SAFARI Super Style, oo ay isugu soo baxeen ciyaarta kama-dambaysta ahayd oo galabnimadii Jimcaha ka dhacay garoonka Xawaadle ee magaalada Hargeysa.

Kooxda ku guulaysatay koobka oo bilowgii tartanka aan ciyaarteedu sidaa u sii adkayn ayay marba marka ka dambaysa ciyaarteedu isa soo taraysay, taas oo keentay in ay ugu-dambayntii ku guulaystaan koobkii ay 16-ka kooxood ku legdamayeen.

Tartanka koobka (SYSTO), oo ay ka qaybqaateen 16 Naadi oo ka kala socday xaafadaha kala duwan ee caasimadda Hargeysa.

Kooxda ku guulaysatay koobka ee Hargeysa Spring Water, oo kulanka intiisii badnayd gacanta ku haysay Maamulka ciyaartu, waxay kulanka hoggaanka u qabatay badhtamihii qaybtii hore, kadib markiiuu gool qurux badan u dhaliyay weeraryahanka Naasir Aadan Maxamed, goolkaasina wuxuu noqday kii 10aad ee uu dhaliyo muddadii tartanku socday, wuxuuna kaalinta labad ka galay kala-horraynta gool-dhalinta. Naasir waxaa hal gool ka horreeya oo kaalinta koowaad ee gool-dhalinta ku guulaystay Maxamed Xasan oo u safta kooxda GOL-JANO, kaas oo inti tartanku socday 11 gool dhaliyay. Goolka labaad Hargeysa Spring Water waxay keentay qaybtii labaad, waxaana u dhaliyay Mustafe C/raxmaan Ismaaciil.

Tartanka waxaa soo abaabulay urur dhallinyaro oo lagu magacaabo SYSTO (Somaliland Youth Sports Organization).

Real Madrid Oo

Ronaldo Gacanta Ku Dhigay

AC Milan waxay iibsatay Nesta, Inter-na Crespo

 

Madrid (AP) – Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday inay iibsatay weeraryahanka reer Brazil ee Ronaldo oo ay Inter Milan kaga iibsadeen 47milyan oo lacagta Yurub ah. Agaasimaha ciyaaraha R. Madrid, Jorge Valdano, ayaa sidaa ku dhawaaqay saqdii dhexe ee habeen-nimadii Sabtidii oo ay ku ekayd waqtigii ay xidhmaysay sayladda iibka ciyaartoygu. Valdano oo sheegay in ay heshis afar sannadood ah la galeen Ronaldo. Wuxuu dabolka ka qaaday siday ugu farxeen tallaabadan. “Waxay ahayd maalin walaac badan, laakiin farxad bay ku dhammaatay arrintu,” sidaa waxa yidhi Jorge Valdano.

Warbaahinta Isbaanishka oo wax ka qortay arrinta ciyaartoyga ayaa sheegay in heshiisku Yahay kuwa ugu horreeya dunida, wararku waxay intaa ku dareen in heshiiska ay labada kooxood ku heshiiyeen uu ku jiro ciyaartoy, balse Real si cad umay carabaabin kuu yahy ciyaartoygu. Waxaase la sheegayaa inaan ciyaartoygaasi tegi doonin tan iyo bisha January.

Valdano waxa kale oo uu sheegay in Ronaldo xidhanayo funaanada lambarka 11aad, tan iyo inta Fernando Morientes ku wareejinayo lambar sagaalka.

Ronaldo waa ciyaartoygii saddexaad ee dunida ugu qaalisanaa ee ku soo biiray Real Madrid, xagaayadii xidhiidhka ahaa tan iyo markii Florentino Perez loo doortay Guddoomiyaha kooxda Real Madrid bishii July 2000.

Isla markiiba wuxuu jebiyay rikoodhkii dunida, wuxuuna Barcelona ka soo iibsaday ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bortaqiiska Luis Figo, oo ugu kacay 56 milyan oo dollar. Sannad kadib ayay markale 65 milyan oo dollar kula soo wareegtay Zinedine Zidane, oo Juventus u ciyaarayay.

Kooxda Inter, ayaa qirtay inay Ronaldo xerada ka saartay, base way ka gaabsatay qiimaha heshiiska. Sidoo kale waxay Inter isla markiiba sheegtay inay la wareegtay weeraryahanka reer Argentine ee Hernan Crespo, wuxuuna Inter u buuxin doonaa kalinta uu xiddiga Brazil banneeyay.

Wararka ka imanaya dhinaca Talyaaniga ayaa sheegaya in si weyn loo ilaalinayo ammaanka Ronaldo oo Isniinta maanta ka dhoofaya madaarka Milan, halkaas oo la geeyay cutubyo ciidamo ah, si ay u sugaan ammaanka ciyaartoyga.

Tabobaraha Argentiniga ah ee Inter, Hector Cuper, oo qayb ka mushkiladaha Ronaldo kooxda uga tegay ayaa caddeeyay inuu la soo wareegay 27-jirka weerarka ah ee ay isku waddanka yihiin, Crespo, kaas oo ka garab ciyaari doona gooldhaliyaha Talyaaniga ah Christian Vieri.

Sidoo kale, kooxda AC Milan, ayaa saacaddii ugu dambaysay iibsatay difaacyahanka Nesta oo Sabtidii ay AC Milan iyo Lazio kula kala wareegeen 30 milyan oo lacagta Yurub ah.

26-jirka xuddunta u ah difaaca Talyaaniga, waxaa iibintiisa la hadal hayay xagaaga oo dhan, balse wuxuu ku dhammaaday maalintii ugu dambaysay.

Ra’iisal-wasaaraha Talyaaniga, isla markaana ah mulkilaha kooxda Milan, ayaa qiray inuu heshiis shan sannadood ah lala galay difaacyahanka ay Lazio ka soo iibsadeen.

Tallaabadan kooxda Milan qaaday, waxay ka dambaysay markii ay ku guul-daraysatay difaacyahanka kale ee Fabio Canevaro oo horraantii bishan ay Inter iibsatay.

AC Milan oo horraantii xagaagan kasbatay xiddiga reer Brazil ee Rivaldo, waxay ku dedaalayaan sidii ay u adkayn lahayd difaaca oo aad u tamar-daran. Wuxuuna kaabayaa deyrka dambe oo ay haddaba ka ciyaaraan halbowlayaal adag sida; Paolo Maldini iyo Roque Junior.

Zidane Oo Noqday

Ciyaartoyga Yurub Ee Sannadkan

 

Monaco (Reuters) – Xiddiga Faransiska ee Zinedine Zidane, ayaa loo aqoonsaday ciyaartoygii ugu kartida badnaa ee tartanki horyaalada Yurub ee kalhore, waxaana la guddoonsiiyay billada abaalmarinta sannadlaha ah ee UEFA. Waxaana ku wareejiyay Guddoomiyaha xidhiidhka dawliga ah ee Yurub, Lennart Johansson. Guddoomiyaha UEFA, wuxuu sidoo kale abaalmarin gaar ah siiyay Sir Bobby Robson, 69-jirka maamula kooxda Newcastle, taas oo ku mutaystay sida tooska ah ee uu markasta isha ugu hayo kulamada.

Kooxda Real Madrid waxay xantoobsatay afar ka mid ah billadaha sanadlaha ah, waxaana ka mid ah Roberto oo ku guulaystay abaal-marinta difaaca, Raul ayaa isna markii saddexaad oo xidhiidh ah ku guulaystay weeraryahanka ugu wanaagsan.

Zidane, ayaa noqday ciyaartoyga ugu fiican, Vicent Del Bosque-na wuxuu helay tabobaraha ugu wanaagsan ee sanadka.

Ciyaartoyga kale ee abaalmarinta la siiyay waxaa ka mid ah goolhayaha Bayern Minich, oo guushiisani tahay markii afraad.

Michael Ballack, oo hadda u safta Bayern Munich, balse hore ugu ciyaari jiray Leverkusen, ayaa noqday xiddiga khadka dhexe ee sannadkan.

Weeraryahanka Mario Jardel, ayaa ku guulaystay kabaha dahabaka ah ee gool-dhalinta UEFA, kadib markii uu Sporting Lisbon xilli-ciyaareedkii hore u dhaliyay 42 gool.

Qaabka billadaha loogu kala guulaystayna waa sidan:

Goolhayaha ugu fiican

Oliver Kahn (B. Munich), waxa ku xigay Gianlugi Buffon (Juventus) iyo Jerzy Dudek (Liverpool).

Difaaca ugu fiican

Roberto Carlos (R. Madrid), waxaa iyana lamagacaabay Cafu (AS Roma) iyo Sami Hyypia (Liverpool).

Khadka dhexe

Michael Ballack (B. Leverkusen), waxaa ku xiga Roy Keane (M. United) iyo Patrick Vieira (Arsenal).

Weerarka ugu fiican

Raul (R. Madrid), waxaa ku soo xiga David Trezeguet (Juventus) iyo Ruud Van Nistelrooy (M. United).

Tabobaraha ugu fiican

Vicent Del Bosque (Real Madrid), Alex Ferguson (M. United) iyo Klaus Toppmoeller (B. Leverkusen).

Kooxda MAAN-RAAC Oo

Socdaal Ciyaareed U Yimi Somaliland

Harg (Haatuf):- Kooxda Maan-Raac oo ka dhisan magaalada Harta Sheekha, ayaa 4-1 gool kaga adkaatay naadiga ILOTANGO ee magaalada Hargeysa

Kulankaas oo Sabtidii dorraad ka dhacay Hargeysa Stadium, wuxuu ka mid ahaa ciyaaro saaxiibtinimo oo kooxdu ku soo martay degmada Gebilay iyo Hargeysa.

Weeraryahanka afka hore uga ciyaara kooxda Maan-raac, ayaa dhaliyay saddex gool (hatrick), oo ka mid ah afarta gool ee guushu ku raacday kooxda Harta-Sheekh ee is-maamulka Soomaalida Itoobiya, halka goolka afraadna uu u dhaliyay Khadar Muxumed Maxamed (Dhabar).

Kulanka qaybtiisii hore wax goolal ah lama kala dhalin, oo wuxuu ku dhammaaday 0-0. hase yeeshee, markii la isu soo noqday ayay koox waliba wax ka beddeshay qaab-ciyaareedkeeda, taasina waxay keentay, kooxdii ku ciyaaraysay magaca Hotelka Maan-raac oo la wareegtay maamulka iyo gacan ku haynta ciyaarta.

Aadan Maxamed oo la odhan karo wuxuu ahaa xiddigii ciyaarta, ayaa saddexda gool kala dhaliyay daqiiqadihii 63aad, 75aad, iyo 82aad.

Dhinaca kale, kooxda Maan-raac, waxay Jimcihii kulan saaxiibtinimo kula yeelatay magaalada Gebilay koox ka dhisan magaaladaas, waxayna 3-2 gool guushu ku raacday Maan-raac Hotel oo (H. Sheekh) ah.

Ciyaarta bilowgeediiba waxaa weeraro is-dabajoog ah qaaday ciyaartoyga kooxda Gebilay, waxaana u suurtogashay in ciyaaryahanka Liibaan Maano uu laba gool oo xidhiidh ah u saxeexo kooxda Gebilay.

Dhammaadkii qaybtii hore, ayay kooxda Harta-sheekh dhalisay gool, kaas oo uu shebegga ku hubsaday Carab Shiine. Kulanka qaybtiisii horena waxaa lagu kala nastay 2-1 ay Gebilay ku hoggaaminaysay.

Daqiiqaddii 65aad ayay Maan-raac heshay goolkii barbaraha ahaa, kaas oo uu dhaliyay C/laahi Caydiid oo xaga hore uga ciyaara kooxda. Goolka barabaraha kadib, ciyaartu waxay in muddo ah ahayd mid deggen, iyada oo waqti 20 daqiiqadood ah ciyaarta barbaro lagu horjoogay. Hase yeeshee, markii ay shan daqiiqadood oo keli ahi ay ka hadhsanayd waqtigii ciyaarta ayuu weeraryahanka ay ku dhaadato Maan-raac ee Aadan Maxamed Xasan dhaliyay goolka guusha ee kooxda Maan-raac.