Haatuf, Cadadki 154, Sep.2002

Dil Xiisad Kulul Dhaliyay Oo Ka Dhacay Magaalada Laas-caanood

 

“Waxa Ka Dambaysa Ujeedo Siyaasadeed Oo La Doonayay, In Lagu Horjoogsado Weftiga S/Land”

 

 

Burco (Haatuf):- Iyada oo ay shalay ka amba-baxeen magaalada Burco Ergo culus oo dhawr iyo soddon qof gaadhaysa oo uu hogaaminayo Suldaan C/llaahi Sul. Cali, si ay uga hawlgalaan xallinta tabashooyinka beesha Sool, ayaa waxaa isla shalay toogaasho lagu dilay Chief Caaqil Daahir Faarax Jaamac, kadib markii ay saddex nin oo dhallinyaro ahi rasaas la beegsadeen isaga oo fadhiyay makhaayad ku taalla badhtamaha magaalada Laas-caanood.

 

Mudane Yaasiin Maxamuud Xiir oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada kaga jira gobolka Sool oo shalay subax ka soo baxay magaalada Laas-caanood, kahor intii aanu dilku dhicin, oo aanu kula xidhiidhnay khadka Telefoonka isaga oo jooga magaalada Burco, ayaa sheegay in dilkaasi ahaa mid ujeedo siyaasadeed ka dambaysay, lana doonayay in laysku hortaago weftiga ballaadhan ee salaadiinta, aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo dawladdaba isugu jira ee ku sii jeeda gobolkaas.

 

Mudane Yaasiin oo markii falkani dhacay la xidhiidhay magaalada Laas-caanood, wuxuu sheegay in falkaasi argagax geliyay dadka magaalada, isla markaana meheradihii ganacsiga la xidhay, lana dareemay jawi kala-gurasho iyo kala qax. Hase ahaatee, wuxuu xusay in dadku yara dareemeen in falkaa arrin siyaasadeed ka dambaysay, inkasta oo la sheegay in uu aanno hore daba-socday. Siduu Mudane Yaasiin sheegay, waxaa xaaladda dejiyay wadaadada iyo odayaasha magaalada oo dadka ka wacyi-geliyay inaan lagu talaabsan falal kale oo wax u dhima nabadgelyada, beeshii wax laga dilayna waxaa lagu qanciyay inaanay wax tallaabo ah oo aar-gudasho ah qaadin. Sidaa aawadeedna, waxa suuro-gashay in xaaladda degenaan lagu soo dabbaalo.

Inkasta oo xaaladda isla shalayba la qaboojiyay, haddana waxa uu mudanuhu xusay in maadaama aanay ka jirin deegaanka dawlad gacanta ku haysa nabadgelyadu ay wax kastaba suuro-gal yihiin inay dhacaan.

 

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Caaqil Daahir Faarax Jaamac (Daahir-gacan), wuxuu ka mid ahaa madax-dhaqameedka aadka loo qaddariyo ee degaankaas. Waxaana isla shalay lagu aasay magaalada Laas-caanood. Munaasibaddii aaskiisana waxa la sheegay in ahayd mid aan loo kala hadhin oo ay ka qaybgaleen dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshada reer Laas-caanood.

Dhinaca kale, siday sheegeen wararka naga soo gaadhay magaalada Burco, falkaa dilka ah ee ka dhacay magaalada L/Caanood, waxaa aad uga xumaaday oo ka naxay weftiga ballaadhan ee u qalab-qaatay furdaaminta wixii khilaaf ah ee dhex-yaala Somaliland iyo dadka reer Sool, kuwaas oo shalay ka amba-baxay magaalada Hargeysa, isla markaana xalay u hoyday magaalada Burco.

Sida laga soo xigtay xubno ku dhow-dhow weftiga, waxaa lagu wadaa inay weftigaa ergada ahi maanta u socdaalaan dhinaca magaalada L/Caanood. Wararku waxay intaa ku dareen, inaanu falkaasi haba-yaraatee wax hakad ah ku keenin socdaalka weftigaas.

 

Ergaddan dawladda Somaliland u dirtay gobolka Sool, oo isugu jirta siyaasiyiin, salaadiin, aqoonyahano iyo mudanayaal-ba, waxaa hoggaaminaya Suldaan C/laahi Sul. Cali.

 

Shirweyne Shalay Dhacay Oo Dr. Gaboose U Doortay Gudoomiyaha SAHAN

 

Harg (Haatuf):- Shir-weyne ugu qabsoomay urur-siyaasadeedka SAHAN, Bile Restaurant ee magaalada Hareysa, ayaa shalay doortay Guddoomiyaha ururka, isla markaana noqonaya musharaxa SAHAN uga qaybgelaya tartanka madaxtinimada Somaliland.

 

Ergada shirweynaha SAHAN ee shirkaa fadhiday, waxay jagada Guddoomiyaha u doorteen Dr. Maxamed Cabdi Gabboose. Sidoo kale, waxa guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad loo doortay Mudane Diini Cabdillaahi (Handal) iyo Cali Salaad. Xilka Guddoomiyaha oo ay ku tartameen saddex musharax oo kala ah; Dr. Gabboose, Diini iyo Axmed-keyse. Waxa ku guulaystay Gabboose oo helay 69 cod, oo ka mid ah 79 Ergay oo madasha fadhiyay. Toban xubnood ayaa ka aamusay, cidina may diidin. Jagada guddoomiye ku xigenka koowaad oo ay isu soo taageen saddex musharax oo kala ah; Diini, Cali Salaad iyo Axmed-keyse, waxaa 58 cod ku guulaystay Diini C/llaahi (Handal), halka jagada guddoomiya ku xigeenka labaadna uu ku guulaystay Cali Salaad oo helay 61 cod oo ka mid ah ergada shirweynaha fadhiday. Isal fadhigii shalay waxay ergadu ku meel-marisay xeerka iyo dastuurka ururka SAHAN, oo ka mid ahaa qodobada shirweynaha horyaalay, ansixinta xeerka waxa oggolaaday 75 ergay, afar kalena way diideen.

 

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo khudbad u jeediyay ergada gebo-gebadii shirkaas ayaa faahfaahin ka bixiyay muran-siyaasadeed soo dhexgalay ururka oo hakad ku keenay habsami u socodka hawlaha SAHAN, iyo sababihii keenay. Waxa kale oo Dr. Gabboose ka hadlay sababihii loo abuuray ururka iyo ujeeddooyinkiisa siyaasadeed ee uu dalka ku hoggaamin doono haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtinimada.

Guddoomiyaha cusub ee SAHAN, wuxuu ka cudur-daartay dib-u-dhaca ku yimid shirka oo uu sheegay inuu ka dhashay khilaaf ka baxsan sharciga ururka, kaas oo buu yidhi ay ku kaceen xubno ka tirsan ururku. Dr. Gabboose oo ka hadlaya mabaadiida ururka SAHAN, ayaa caddeeyay inay dalka ku xukumayaan shareecada Islaamka, haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtinimada dalka, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “SAHAN, haddii ay talada dalka ku guulaysato Waxaanu waddanka ku xukumaynaa shareecada Islaamka, maanta qarin mayno, shalayna maaanaan qarin. SAHAN hooyadeeda dhabta ahi waxay ahayd ururkii Islaamiga ee Somaliland.”

 

Guddoomiyaha shirka lagu doortay Dr. Gabboose oo ka hadlaya khilaaf xoogan oo kala dhambalay xubnaha haldoorka ururka, ayaa eeda arrintaa dusha u saaray qaar ka mid ah siyaasiyiinta ururka. Dr. Gabboose oo si gaar u tilmaamaya halka uu salka ku hayo khilaafka SAHAN, ayaa sheegay inay ugu weyn yihiin laba qodob oo ka hore Yahay xubno ka tirsan ururka oo saluugay miisaanka siyaasadeed ee ururka, kuwaas oo door-biday buu yidhi; in ururo kale lagu biiro. Isaga oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi; “Khilaafka waxa keenay xubno sar-sare oo karaamo naga mudan oo aaminsan inaan SAHAN haysan dhaqaale iyo siyaasiyiin culus, iyagu is eegi maayaan inay yihiin kuwa ugu cul-culus ee rag kale ayay eegayaan. Raggaas waxaa mabda’oodii noqday in laga guuro SAHAN oo ururo kale lagu daro.”

 

Isaga oo ka hadlaya qodobka labaad ee la isku maan-dhaafay wuxuu sheegay, inuu ahaa fikradda ay qabaan majooratiga ururku, taas oo ah buu yidhi, inuu ururku is-tijaabiyo, oo haddii uu markaa socon kari waayana laga tashado dhinicii kale ee looga wareegi lahaa. “Raga lahaa aynu is tijaabino waa aqlabiyadda ururka, waxaana ka mid ah Maxamed Xaashi Cilmi, Xaaji Diini, Xuseen Caynaan iyo rag kale oo badan,” ayuu yidhi Dr. Gabboose. “Waxaan maqli jiray Awrka Aakhiro ayaa awoodiisa la tusaa,” ayuu ku daray.

Dr. Gabboose wuxuu sheegay in saaxiibadiisa ka soo horjeestay ay ka tallaabeen xadkii is-fahamka oo ay bilaabeen gacan ka hadal iyo ku jiq-sii, taasina ay keentay inay uga qaxaan xaruntii ururka SAHAN. “Waxay mabda’ ka dhigteen, haddaan ururka la xidhin dhiig baa daadanaya. Waxaa la gaadhay in gurigii xarunta noo ahaa uu noqdo Bohol khatar ku ah Somaliland oo dhan,” ayuu ku daray Dr. Gabboose.

 

Inkasta oo uu sheegay in xaaladdu faraha ka baxday, gacan ka hadalna dhacay, haddana wuxuu muujiyay inaanay arrinta halkaa kaga hadhayn, dedaal cusubna uu u geli doono sidii arrimaha waanwaan loogu dhammayn lahaa. “Waxaa naga go’aan ah inaanu nin-nin ula xidhiidhno, si anau khilaafku u noqon mid cadaawad nagu keena, waayo rag qime leh ayaanu haysanaa,” ayuu yidhi Dr. Gabboose oo muujinaya halka ay ka taagan yihiin xal laga gaadho khilaafka ururka SAHAN.

 

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka hadlaya caqabadaha cusub ee ka hor-yimi geedi-socodka ururka ayaa ku tilmaamay arrin iska caadi ah oo dhici karta. Isaga oo sharraxaad ka bixinaya magaca ururka SAHAN ee Guddoomiyaha loogu doortay wuxuu yidhi; “Waanu sahan tagnay, markaad beesha u sahan tagtana habeen dhexdaad ku dhaxaysaa, mar bahal baa kugu soo baxaya, mar qodax baa ku mudaysa, waxyaabahaa nagu dhacayna waxay ka mid yihiin dhibaatooyinkii sahanka.”

 

Dhinaca kale, shirkaa shalay lagu doortay Dr. Gabboose waxaan ka qaybgelin mid ka mid ah labada kooxood ee ururku u kala jabay. Hase yeeshe, wuxuu Dr. Gabboose sheegay, in majooratigii golaha dhexe ee ururku ay yihiin kuwa fadhiyay shirkaas, inta maqanina ay tahay tiro yar. Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse), oo ka mid ah siyaasiyiinta garabka ka maqnaa shirkaas ee ururka SAHAN, ayaa isna war-saxaafadeed uu soo saaray shirkaa kahor kaga digay qabsoomidda shirkaas.

 

 “Muddo-kordhin Dambe Ma Jirto, Ee Iyada Meesha Ka Saar”

“Madaxtooyada Waxaad Mooddaa Kaam Millateri Oo Kii Afweyne Oo Kale Ah

Gudoomiyaha Umad

 

Waxaanu ku guda-jiray maalmahanba mawduuc aanu ku faaqidaynay xirfadaha iyo shaqsiyadaha siyaasadeed ee hoggaamiyeyaasha ururada siyaasadda Somaliland, isla markaana Waxaanu hore u faafinay warbixino la xidhiidhay taariikhda siyaasadda ee guddoomiyeyaasha ururada; “Kulmiye” Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha “Birsol” Axmed Sandoon iyo Guddoomiyaha ururka “Hormood” Maxamed Maxamuud Cumar-xaashi. Tirsigan maantana Waxaanu ku eegaynaa taariikhda siyaasadeed ee Guddoomiyaha ururka “UMAD” Axmed Jaamac Muxumed. Waxaana warbixin ka soo diyaariyay Muuse Faarax Jaambiir, oo xog-waraysi kala yeeshay Guddoomiyaha UMAD arrimo ku saabsan mawduucaas.

 

Guddoomiyaha ururka UMAD, Axmed Jaamac Muxumed, wuxuu ku dhashay degmada Aw Barre ee Kililka-5aad ee Itoobiya, Waxaanu dhashay siduu ii sheegay sannadkii 1941-kii. Axmed Jaamac, wuxuu muddo dheer ku maqnaa qurbaha, gaar ahaan dalka Maraykanka, Waxaanu dalka ku soo laabtay 1999. siyaasad ahaan wuxuu indhaha dadka hor-yimi intii uu aas-aasay ururkiisan UMAD. Hase ahaatee, Axmed Jaamac taa ma qabo, Waxaanu ii sheegay in mihnadda siyaasaddu tahay mid uu aabihii Jaamac Muxumed ka dhaxlay. “Siyaasadda waan ku dhashay, oo aabahay-baa weligiiba siyaasi ahaa,” ayuu yidhi Axmed, Waxaanu intaa ku daray; “aabahay wuxuu ka mid ahaa lixdii nin ee markii Ingiriisku inoo diyaarinayay xornimada gobololada ka socday, markaa aabahay gobolka Awdal buu metelayay. Sidaa aawadeed aabahay weligii Ugaas taliya buu ahaa, oo siyaasadda wuu igu dhalay.”

 

Marka aabihii laga tago, goormaa Axmed mihnadda siyaasadda ugu horraysay? Mise xirfaddiisu waxay ku kooban tahay uun shaadhkaa aabihii ee uu gashaday, oo ma jiraan wax kale oo uu cuskanayaa?

Su’aalahaas isaga oo Axmed Jaamac ka jawaabaya wuxuu yidhi; “Maya, shaqsiyan aniguba waan ku jiray siyaasadda ilaa intaan Maraykanka joogayba. Xisbiga dimuqraadiga ayaanan ka mid ahaa, waxaana lay aqoonsaday 1985 xubin sharafeed hawlo badan xisbiga u qabatay. Markaa siyaasadda wxaan ku jiray muddo dheer.”

 

Axmed Jaamac markii uu muddo dalka joogayba wuxuu aas-aasay ururka UMAD, sannadkii labada kun, Waxaanu sheegay inay aas-aaska ururka ku weheliyeen dhallinyaro badan oo reer Boorama ahi. Inkasta oo uu sidaa sheegay, haddana waxaa had iyo goor la arkaa isaga oo keli-socod ah. Sidaa aawadeed, mar aan wax ka weydiiyay arrintaas, wuxuu ku jawaabay; “Sheekadaasi way jirtaayoo, oo had iyo goor waxa la arkaa anigoo keligay soconaya oo meel walba jooga, oo meel walba ka hadlaya. Laakiin maanta ururku lixda gobol-ba wuu ka furan Yahay, oo maaha nin keli ah.” Marka laga hadlayo mas’uuliyadda maamul ee ururka UMAD, waxaa dhawaan soo baxay warar sheegaya inaanu Axmed Jaamac ahayn Guddoomiyaha ururka, ee uu Yahay af-hayeenka ururka. Hase yeeshee, Axmed laftiisa oo aan arrintaas wax ka weydiiyay wuxuu sheegay in arrintaasi tahay mid been-abuur ah oo aanay waxba ka jirin, waxaanu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “waa boro-bagaando ay Cabdi Aw Daahir iyo ururka UDUB sameeyeen ayuun baan anigu u haystaa, laakiin wax jira maaha warkaasi. Sharciyana waxaan ahay Guddoomiyaha ururka.”

 

Beryahan dambe waxa isa soo tarayay, in ururada siyaasada qaarkood ay ku biirayaan ururo kale oo ka miisaan culus. Sidaa darteed, mar aan Axmed Jaamac wax ka weydiyay, bal in ururkoodu ku biirayo urur kale iyo inuu gaar ahaantiisa u taagnaanayo, wuxuuna sheegay in ay wax waliba suuro-gal yihiin. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Anigu horeba waxaan u idhi urukan UDUB ee dawladda sheeganaya layskama celin karo, ilaa ay Axsaabtoo dhami isu timaado mooyaane. Markaa anigu halkaasaan weli taaganahay, waxaanan jeclahay inay Axsaabta oo dhami isu timaado oo mid u noqoto. Waayo siduu UDUB wax u wadaa maaha wax sharci ah oo xaq ah.” Axmed wuxuu xusay, in la kala saari la’ Yahay UDUB iyo dawladdii. “Cabdi Aw Daahir, wuxuu mar walba leeyahay, UDUB waa dawladda, dawladuna waa UDUB, markaa ma soconaysaa taasi,” ayuu yidhi Axmed.

 

Guddoomiyaha UMAD, isaga oo isla arrintaas ka sii hadlaya wuxuu yidhi; “walaal waxaa meesha ku jira, anigu waxaan ahaa ururkii ku dagaalamay in dawladda sannad loo kordhiyo, si ay u dhammayso arrimaha doorashooyinka. Axsaabta kale oo dhami way nagu diidanayd taas, oo xataa Waxaanu kula baxnay magac.oo waxaa la igu odhan jiray waa UDUB-yar (sub-UDUB). Markaa Maamulka jiraa ha ogaado oo ha fahmo inaanu doorasho ku soo gaadhin halkan, tii shir-beleedka lagu soo dhisayna waqtigeedii dhamaaday. Sannadkii loo kordhiyayna waxaa loogu talogalay inuu qabyada dhammeeyo.”

Guddoomiyaha UMAD, wuxuu carrabka ku dhuftay inaan ilaa hadda la dhammaystirin qabyo badan arrimaha oo doorashooyinka la xidhiidhay. “Horta siday maanta u egtahay u malayn maayo in ay doorasho dhacayso,” ayuu yidhi Axmed Jaamac. Isaga oo sii sababaynaya taasna wuxuu yidhi; “qolyihii diiwaan-gelinta waxba uma dhama, oo imikay war-wareegayaan, kuwii komishinka doorashadu weli xafiisyadoodii kamay furin gobollada. Bishan 12-keeda oo shan cisho inaga xigto, waxa la rabaa in la geeyo gobollada xubnihii qolo walba uga qaybgeli lahaa doorashada dawladaha hoose. Dadkii ka shaqayn lahaa lama tabobarin. Markaas horta Ilaahay ha inoo sahlo.”

 

Axmed Jaaac Muxumed, wuxuu sheegay inuu isu taagayo tartanka jagada Madaxweynenimo, isla markaana wuxuu tilmaamay sababta ugu weyn ee siyaasadda dalkaba soo gelisay inay tahay mid la xidhiidha sidii Somaliland Ictiraaf loogu heli lahaa. Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in isagu uu hayo dariiq loo mari karo aqoonsiga. Meelahaasna waxaa ka mid ah; Xisbiga dimuqraadiga Maraykanka iyo meelo kale oo uu sheegtay inuu taariikh ku leeyahay. “Haddaan guulaysto uun maaha, ee haddii aan guulaysto iyo haddii qof aan la shaqayn karaa guulaystaba waan kala shaqaynayaa helista aqoonsiga,” ayuu yidhi Axmed Jaamac.

Inkasta oo uu Guddoomiyaha UMAD sidaa ku dooday oo uu sheegay inuu Yahay murashax han-madaxweyne ku jiro, haddana ma rumaysna in doorasho dhacayso. Waxaanu si weyn u dhaliilay ficillada muuqda iyo hab-dhaqanka ururka UDUB, oo uu ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn nidaamka dimoqraadiyada runta ah.

 

Haddaba, waxay is-weydiintu tahay, muxuu xal u arkaa Guddoomiyaha ururka UMAD? Mar aan qodobkaas wax ka weydiiyay wuxuu Axmed Jaamac ku jawaabay, “horta muddo-kordhin dambe ma jirto, ee iyada meesha ka saar. 5-sannadood bay wax ku qaban waayeen. Sannad baanu ugu daray, markaa taa tuur. Markaas xalka, horta shiweyne-qaran meesha waa soo marayaa, oo isaga qudhiisa waa laga fikiri, inkasta oo aanan jeclayn inaan nidhaahno shir-beeleed dib haloogu noqdo, oo tallaabo dib haloo qaado, oo aanay afka Axsaabta ku wanaagsanayn. Haddana wixii lagama-maarmaan ah ayuun baa meesha imanaya. Teeda kale, waxaad shar moodayso oo khayr kuu noqda baa jira, iyo waxaad khayr moodayso oo shar kuu noqda. Markaa dawladdu tan ay la soo taagan tahay ee ay leedahay doorasho waa inay dhacdaa, waxaaba laga yaabaa inay nabadgelyada yar ee aynu hayno inaga baaba’do, oo ay lunto, markaas dee aynu Alle barrino uun wax kale ma jiraane.”

 

Axmed wuxuu intaa raaciyay oo uu sheegay in ururada siyaasadda, UDUB mooyaane ay intoodii kale ka tashanayaan sidii ay mawqif midaysan uga qaadan lahaayeen doorashada, isla markaana shalay ururadu kulan ay yeesheen ku saareen gudi soo qodobaysa arrimahaas, si ay go’aan wadajir ah u gadhaan.

 

TALLO-BIXIN :-

Dhinaca kale, Guddoomiyaha UMAD, wuxuu soo jeediyay tallooyin ku saabsan hannaanka hab-dhaqanka madaxtooyada, habka loo baahan Yahay in lagu qaabilo wufuuda dalka timaada, iyo qodobo kale; Waxaanu ku bilaabay;

1.       “Dawladda waxaan ku dhalliilayaa, wufuuda dibadaha ka timaada, Maamulka uun baa keligii gooni ahaan u arka. Laakiin sharaftu waxa weeye, markay qaabilaada samaynayaan in ay saxaafaddu meesha joogto, inay Axsaabtu joogto, oo madax-dhaqamedku joogo, oo lays dhexgalo oo la sheekaysto, oo warka ay sida kula baxaan. Laakiin markay keligeed dawladdu aragto inteeda uun bay sheegaysaa, markay noqdaana weftigu wuxuu odhanayaa maamulkii sidaasuu yidhi. Hase yeeshee markay  cid walba arkaan waxay odhanayaan, reer Somaliland waxay na yidhaahdeen. Markaa dawladda Somaliland waxay na tidhi iyo waxay reer Somaliland na yidhaahdeen, waa kala laba. Markaa waxaan talo ku soo jeedinayaa in Maamulku hab-dhaqankaa beddelo.”

2.       Ta labaad, madaxtooyada markaad gashid iyo markaad sheeda ka eegtidba, duub-cas miidhan baad ugu tegaysaa, oo waxaad moodaa Kaam millateri oo kii Af-weyne oo kale ah. Guriga cad ee Maraykanka haddaad gasho askar dirays sidata arki maysid. Ka albaabka jooga iyo mid halka hore ee laga soo galo taagan oo qofka weydiiya warqadda ballanta mooyaane, mid kale arki maysid. Innagana Kaam millateri baad mooddaa. Markaa waxa la odhanayaa marka qof Ajnebi ahi yimaado ee meesha soo galo, waxa la moodayaa in xukun-millateri meesha haysto, ee u qaadan maayaan mid shicib ah oo dimuqraadi ah. Markaa sharaftu waxa weeye inaan la arkin askarta, mid iyo laba mooyaane.”

Guddoomiyaha UMAD, waxa kale oo uu si weyn u dhaliilay hab-dhaqanka askarta madaxtooyada, oo uu ku tilmaamay inay yihiin qaar wasiiradaba ka awood badan oo celiya kii ay doonaan. Sidoo kale, wuxuu dhaliilay hab\-dhaqanka ah, in ciidan badan iyo gawaadhi badan oo qoryo waaweyni saaran yihiin ay gelbiyaan madaxweynaha marka uu tegayo meel ka mid ah magaalada, isla markaana ay xawli ku maraan dariiqyada.

Sidaa daraaded, Axmed Jaamac, wuxuu sheegay in habkaasi Yahay mid aan loo baahnayn, oo ceeb ku ah dimuqraadiyadda.

 

Ismaandhaaf Ka Taagan

Dhaxal Wareejinta Tiyaatarka Gebilay

Warbixin- -- Maxamed Xasan

 

Gebiley (Haatuf):  Golihii Murtida iyo Madadaalada ee magaalada Gebiley ayaa mar kale isu diyaarinaya in hugunkiisa maqlo, dad badanina ay u daawasho tageen iyaga oo xiisaynaya waxa ku soo kordhay tiyaatarkaa hore toddobaadkan, kadib dhawr iyo toban sannadood markii uu kharaabad ahaa.

 Tiyaatarka degmada Gebiley oo ka kooban deyr weyn oo dhisan oo leh hal albaab oo laga galo. Deyrka gudihiisa waxaa guradiisa ka dhisan jaranjaro kala sarraysa oo loogu talagalay in daawadayaashu fadhiistaan, waxa ka soo horjeeda jaranjaradaas kaabad ballaadhan oo kor u kacsan oo ah masraxa ay jilayaashu soo istaagaan ama dadka lagala hadlo, kaabaddaasna waxa ka dambeeya dhisme dhawr qol ah oo isugu jira xafiis iyo qolalka fannaaniintu ku nastaan. Tiyaatarkaas oo la dhisay waqtigii Siyaad Barre waxa lagu dhigi jirey riwaayadaha, waxaana lagu qaban jirey kulamada wacyi-gelinta kacaanka. Waxa masrixiyad lagu daawado ugu dambeysey Riwaayaddii qiimaha badanayd ee “MAADEYS” oo aad looga daba-dhacay badhtamihii Siddeetaneeyadii. Intii ka dambeysey waqtigaasna wax riwaayado ah laguma qaban.

 

Laakiin, hadda waxa loo diyaariyey tiyaatarku inuu dadweynaha reer Gebiley u qabanayo adeeg ka duwan tii hore. Masrixii ama masallihii Tiyaatarka waxa la dhigay laba matoor oo waaweyni. Waxa kale oo la keenay tiyaatarka rag isugu jira farsamayaqaanno iyo Injineerro ku shaqaynaya Matoorradaas. Dadka reer Gebiley waxa loo sheegay in halkii Miyuusigga ay habeen kasta tiyaatarka ka maqli doonnaan guuxa Mishiinadaas waaweyni. Halkii ay ka dhegeysan jireen heesaha ama murtida iyo Madadaaladana loogu beddelay Laydh ay habeenkii wax ku arkaan, isla markaana tiyaatarka ay isticmaali doonto kooxda ama qalabka leh.

Dadweynaha magaalada Gebiley ayaa dareenno iyo kacdoonno ujeeddooyin kala duwan leh ka bixiyey tiyaatarka oo lagu wareejiyey ganacsade reer Gebiley ah oo magaalada keenay Matoorro waaweyn oo kuwa laydhka ah oo uu ugu talagalay inuu magaalada ku siraado. Dad badani waxay taageersan yihiin in sidanba loo rogo tiyaatarka mar haddii kaalintii uu bulshada ugu jirey ee fanka iyo suugaantu meesha ka baxday, isla markaana loo magaalada ay si weyn ugu baahan tahay laydhka. Halka qaar kalena ay leeyihiin tiyaatarku waa dan guud mana aha in cid gaar ah la siiyo. Iyadoo dhawr qof oo kalena ay jeebadda kala soo baxeen mulkiyado beri hore loogu oggolaaday inay qaataan tiyaatarka.

 

Goobtaas oo waxa maamulka degmadu siiyey Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Ganacsade Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, ahna Khasnajiga Guud ee ururka Dowladda ee UDUB. Waxana uu soo dhigay laba Matoor oo waaweyni oo uu ka soo iibsadey dalka Imaaraadka Carabta, waxa kale oo uu keenay Injineerro iyo shaqaale door ah oo uu ugu talagalay inay ka shaqeeyaan laydh gelinta magaalada.

Laakiin, inta la xaqiijiyey laba qof ayaa ku haysta oo mid kastaaba sheeganayaa in maamuladii hore uu siiyey tiyaatarka, kuwaas oo uu maamulku amray in la xidho, haatanna ku jira saldhigga kadib markii ay ku murmeen goobtaas..

 

Sheekh Ciise oo ah Iimaamka Masjid Jaamaca Gebiley oo ka mid ah labada nin ee loo xidhay arrintan ayaa la sheegay inuu ku doodayo in tiyaatarka isaga lagu wareejiyey oo maamulkii hore u siiyey ruqsad. Sheekhu waxa uu ku dooday sida ay dad xogogaal ahi sheegeen in tiyaatarka loo siiyey inuu ku qabto Siyaarooyinka xuska Mawliidka Nebiga sannad kasta, isaga oo qayb yarna ka dhigay malcaamad caruurta yaryar qur’aanka loogu dhigo. Ninka kale ee loo xidhay arrinta, Xasan Ibraahim oo leh dhismayaal deris la ah tiyaatarka ayaa isna ku doodaya in waqtigii Taliskii Barre ka hor uu isagu lahaa dhulkaas, kadibna markii dalka lagu soo noqday 1991kii loo celiyey oo ay maamuladii hore ee degmada soo maray ay siiyeen. Waxana uu qabaa in haddii qof la siinayo uu isagu xaq u leeyahay.

Waxa kale oo la sheegayaa inay jiraan dad kale oo sheeganaya dhulkaas.

Cabdiraxmaan Faarax Sugaal oo u warramay Haatuf subaxdii Khamiistii markaas oo uu hortaagnaa tiyaatarka lagu haysto waxa uu beeniyey in tiyaatarka loo siiyey inuu ku ganacsado, waxana uu sheegay in si ku meel-gaadh ah loo dejiyey halkaas, matoorada uu keenayna ay maamulka iyo odayaasha degmadu ka codsadeen inuu keeno.

 

Isaga oo sharraxaya sida uu meesha ku degay iyo waxa uu yeelayo, waxa uu yidhi Cabdiraxmaan Faarax Sugaal; “Horta waxa jirtey, aniga waxa ii yimi cabashooyin ay maamulka iyo odayaasha magaalada ii sheegeen in magaalada beryahan dambe bilaa laydh ahayd. Waxay iga codsadeen inaan Injiinno laydh keeno Gebiley, kadibna waan ka oggolaaday. Laba mishiin ayaan dalka dibaddiisa uga diray oo cusub oo la iga soo siiyey Konton Kun oo Doolar )$50,000).  Kadibna markii ay yimaaddeen Injiinnadii Gebiley baan keenay.”

Sugaal waxa uu intaas ku daray in odayaasha iyo maamulku ay la raadiyeen meel uu dhigo matoorrada, waxana uu sheegay in la tusay laba meelood; tiyaatarka iyo wersheddii hore ee laydhka magaalada halkaas oo ay hadda reero deggan yihiin, isla markaana uu doortay tiyaatarka.

“Anigu waxaan u sheegay (Odayaasha & Maamulka) in meeshii kale maadaama ay reero deggan yihiin aanay suuragal ahayn, meeshan (Tiyaatarka) ayay I yidhaahdeen deg inta aad meel u samaysanayso,”ayuu raaciyey. Waxana uu sheegay in markii uu guddaafad ka xaadhey ee uu degay uu maqlay hadal kadibna uu shaqadii joojiyey.

 

Laakiin, in badan oo dadweynaha reer Gebiley ahi ma rumaysna in ay sidaasi ka daacad tahay, waxaana la ogyahay in ganacsadaha xilalka sarsare ka haya dowladdu uu hore ula wareegey hangar weyn oo ay lahaayeen Kaba-tolayaasha iyo birtumayaasha reer Gebiley horraantii Sagaashaneeyadii, kaas oo ku yaalley suuqa, kadibna uu ka dhigtay bakhaarro.

Cabdiraxmaan isaga oo ka jawaabaya Hangarkaasi sidii uu ula wareegey waxa uu yidhi:

“Horta aniga dhulkaa markii dalka dib loogu soo noqday ayaa dadkii lahaa iga iibiyeen, tiiyoo haddana maamulka degmada ama dowladda hoose ee Gebileyna mar labaad iga iibisey, kadibna sharci la ii siiyey. Waana la wada ogyahay waraaqihii la igaga iibiyeyna waan hayaa labada jeerba”.

 

Cabdiraxmaan oo la weydiiyey in uu tiyaatarka u aqoonsan yahay dan guud, waxa uu yidhi oo uu ku celceliyey; “aniga ku talagalkaygu wuxu yahay sida ugu dhakhsaha badan inaan uga guuro, waayo la iman siin ee waa ku-meel-gaadh”. Isaga oo sheegay in uu u doorbiday meesha oo u dhow magaalada.

Guddoomiyaha Degmada Gebiley Xasan X. Yuusuf ayaa isagu waqtigan ku maqan Cadda oo arrinteeda lagu gorfaynayo halkaa, sidaas darteed aanay ii suurtagelin inaan la kulmo. Laakiin xoghayaha degmada Maxamed Ciise Dhergiye ayaa sheegay in tiyaatarku uu yahay dan guud isla markaana uu u arko inay ku habboonayd in laga kireeyo ganacsadaha.

  

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Reer Sool Ma Waxa Diiddey Somaliland, Mise Reer Sool Iyagaa Diiddey Somaliland?

 

Waa su’aal runtii madax-wareer badan ka abuurtay bulshada sannado badan, dooddeeduna aanay noqon mid isku aragti laga noqdo ama hadha oo meel lagu tiiriyo. Sababta oo ah waxa markastaba laallaa jawaabta su’aashaas oo ku xidhan garnaqsi, kaas oo aan marna dhicin. Waayo, garnaqsina wuxuu yimaaddaa marka uu jiro mudduci iyo muddaacalayhi sida xeer-Soomaaligu yahay. Isla markaana waxa “mudduci iyo muddaacalayhi” loo yaqaannaa laba qof/qoys Iwm oo isma-hurto ah ama daawo leh, balse wax kala tirsaday, waxa ay kala tirsadeenna ay ka weyn tahay waxa ka dhexeeya, dabadeedna Muslim Islaameed gartooda u dhiibta, halkaasna ay ka caddaato cidda gardaran iyo ka gar leh, ka gardiidka ah iyo ka garyigilka ah.

Ma dhicin taasi, Somaliland iyo Reer Sool-na waxay u kala dhaqaaqeen sidii oo aanay jirin wax isku tola oo ka dhexeeya ama ay kala maarmeen, iyadoo ay jirto xaqiiqada ah inay ka dhexeeyaan waxyaabo badan oo ay ugu mudan yihiin Nabadda, dowladdnimada oo reer Sool ay wax ka dhiseen iyo deegaanka lagu wada nool yahay, taas oo ay dad badani qabaan in go’aanka goonni-isu-taagga Somaliland ee lagu qaatay shirarkii Burco iyo Berbera uu sabab u ahaa in la soo afjaro colaaddii uu taliskii Siyaad Barre dhex dhigay beelaha Somaliland, la’aanteedna aanay waxba ka duwanaateen Koonfurta loo maaro la’yahay tobanka sannadood.

Waxa laga ogyahay keliya xaajadu in ay ka hurtay khilaaf siyaasadeed oo dhexmaray xukuumadda Somaliland iyo Siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedyada sarsare ee reer Sool waqti deegaankaas aanu gaadhin maamulka Somaliland, sidaas darteedna badiba bulshada gobolkaasi aanay rumaysnayn ama aanay ka dhaadhicin in ay wax ku leeyihiin dowladda Somaliland lagaga dhawaaqay, manaafacaadkeedana aanu wax la sheegaa bulshadaas ka gaadhin. Tabashooyin iyo wax ay ka tirsadeen dowladda oo laga dhegeysan waayey ayaa kadib waxay gayeysiisey hoggaamiyayaasha reer Sool inay go’aansadaan inaanay cidna daacad u noqon ee ay “Ciyaarta Gorayada” kula socdaan cidkasta ilaa laga helayo dowlad dhexe oo Soomaaliyadii hore laga taabbageliyo, taas oo macnaheedu yahay in beeshu kala daaq tagto. Xukuumadduna dhinaceeda ma muujin wax heellanaan ah, waxayna ku qanacday xubnaha reer Sool ee ku jira golayaasha dowladda iyo maamulka, kuwaas oo ay kaga maarantay xaqiiqadii gobolkaas.               

 

Sidaa markay tahay, waxa meesha ka baxay oo aan jirin mudduci iyo muddaacalayhi, waxayna labada dhinacba duudsiyeen xaquuqdii uu midba (Xukuumadda iyo reer Sool) ka kale ku lahaa iyo wixii ka dhexeeyey. Cidda doodda garnaqsigaasi ku madax-wareertay-na waxay noqotay bulshada caadiga ah ee labada dhinac iyo siyaasiyiinta mucaaridka kuwaas oo aan cod lahayn ama dhawaaqooda uu ka xoog batay is-difaaca labada dhinac iyo isu-muuqashadooda ficiltanka leh. Doodahan waxa ka dhashay shaki ku saabsan sida hoggaanka Somaliland daacad uga yahay in qaddiyadda gobolkaas la soo afjaro. Sidoo kale, waxay aragtiyahaa iska soo horjeedaa abuuri karaan cadaawad iyo is-aamin la’aan isu gasha shacabka walaalaha ah iyadoo aanay qofna u sugnayn halka wax ka qaldan yihiin.

 

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan uu bilawgeeda lahaa Madaxweyne Rayaale ee ergada culus waqtigan loogu diray Laascaanood ayaa ah mid si weyn loogu baahnaa, aadna loogu jeellanaa. Waxa ay si cad uga jawaabaysaa su’aashii in badan oo bulshada ka mid ah maskaxdooda daalisey. Waxa la odhan karaa waxa keenay waayaha, waqti iyo si ku habboon-na waa loo wajahay. Haddii ay hore u jireen dedaallo siyaasadeed oo is-barbar socda ama xidhiidhka caadiga ah ee beelaha ku salaysan, ergadani waa Somaliland oo dhan, miisaankeediina uu ku idil yahay. Waxa lagu tilmaami karaa Somaliland inteedii kale oo leh “Reer Sool maxaa helay, maxaad nagaga maqan tihiin?” Ergadan oo ay horkacayaan Madax-dhaqameedyo iyo siyaasiyiin mucaarid ah oo ay isku sanbanaanaayeen madax-dhaqameedyada reer Sool xidhiidhna ay lahaayeen waxaa ku dhan mucaarid iyo muxaafidba talaqabeenkii Somaliland, waxaana abaabushey madaxtooyada. Waxa iyana ay taageero buuxda ka haystaan dhamaanba mucaaridka iyo waxgaradka. Dadweynuhuna waxay ugu mahadnaqeen Madaxweyne Rayaale iyo Ergadaba dedaalkan muhiimka ah ee ay qaadeen, waxaana laga sugayaan inay la soo noqdaan gobo’ biyo-kama-dhibcaan ah oo mugdiga iyo madmadowga ka saara gobolka Sool.

 

Waxaa si weyn loo rajeynayaa in tallaabadani ay najaxdo, odayaasha iyo dadweynaha reer Sool-na ay kaga jawaabi doonaan danayn iyo doonis la mid ah ta bulshada kale ee Somaliland u soo bandhigtay.

Ergadan Sool waxa lagu tilmaami karaa inay tahay hawlgal lagu bannaynayo xuduud-beenaad kala qaybiyey maamulka Somaliland. Waxa kale oo isaguna jira xuduud kale oo isaguna kala qaybiya Somaliland, kaas oo ah lacagaha kala duwan ee dalka laga isticmaalo. Iyada oo muran iyo dood ta Sool la mid ahi ka taagan yahay Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee laga isticmaalo gobolada bari ee Somaliland. Lacagtaa oo ah masuuliyad dowladda dhexe leedahay, laakiin ay u dayacday ujeeddo aan la aqoonsan ayaa gobolada laga isticmaalo ku haysa dhibaato iyo khasaare dhaqaale oo ba’an, isla markaana gobolada kale ee Somaliland-na u arkaan in dadka goboladaasi ay iyagu diideen lacagta Qaranka, taas oo loo macnaysto in aanay Somaliland daacad ka ahayn.

Sidaas darteed, Madaxweyne Rayaale iyo Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ummaddu waa inay mushkiladdaasna ku wajahaan aragti midaysan oo ay soo afjaraan doodda ka taagan isticmaalka shilinka Somaliland ee gobolada bari ee dalka si la mid ah sida ay u wajaheen arrinta Sool.

 

Labadan Qodob haddii ay fulaan waxay noqonayaan in la taamyeelay midnimo qaran, mudane Rayaale iyo maamulkiisana waxay taariikhdu u qori doontaa si weyn.

 

 

Bush Iyo Blair Oo Qorshaynaya Istiraatiijiyadda Ku Wajahan Dalka Ciraaq

 

 

Washington (W. Wararka) – Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Tony Blair, ayay u bilaabantay booqasho uu ku marayo dalka Maraykanka, isaga oo wadahadallo ku saabsan sidii loo dhisi lahaa is-kaashi caalami ah oo ku saabsan sidii weerar loogu qaadi lahaa Ciraaq la yeelanaya madaxweynaha Maraykanka George W. Bush. Labada hoggaamiye waxay ku kumi doonaan Camp David, si ay uga wada hadlaan sidii looga hortegi lahaa Maamulka Saddaam Xuseen, oo ay ku eedaynayaan inuu haysto hubka halista ah; Siday wararka qaarkood sheegayaan waxa uu Maraykanku ka dhur-sugayaa inay Ciraaq u oggolaato dalkeeda in ay tagaan kormeerasyaasha hubka ee Qaramada Midoobay oo haatan socdo wadahadal arrintaa ku saabsan. Madaxweyne Bush, ayaana lagu wadaa inuu hadal arrintaa ku saabsan ka jeedin doono shirka Qaramada Midoobay toddobadka soo socda.

 

Arrintani waxay ku soo beegantay, iyada oo dawladda Ciraaq dadkeeda u sheegtay in ay u diyaar-garoobaan weerar kasta oo kaga yimaada Maraykanka iyo xulafadiisa. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa isna hore uga digay weerar lagu qaado Ciraaq, kaas oo ay ku tilmaameen inuu cawaaqib xun ka ridayo Bariga Dhexe.