Haatuf, Cadadki 157, Sep.2002

Weftiga Ku Sugan Laas-

Caanood Oo Gacanta La Turxaamo Dhexyaal Beelo Reer Sool Ah

 

 

Laas-caanood (Haatuf): Ergada culus ee ay salaadiintu hogaaminayso ee socdaalka ku jooga Xarunta gobolka Sool ee Laas-caanood ayaa labadii maalmood ee ina dhaafay qaaday dedaal dhex-dhexaadin iyo turxaan bixin ah oo ka dhex-wadaan beelaha gobolka Sool ka hor inta aanay gudo gelin arimaha ay halkaa u tageen.

 

. Weftigaas oo ka kooban salaadiin door ah, xubno ka tirsan golaha Guurtida, duqay iyo rag siyaasiyiin ah waxa hogaaminaya suldaan C/laahi Suldaan Cali oo ah suldaanka guud ee beesha bariga Burco (H/jeclo) waxa gobolka Sool markii ay gaadheen loogu soo dhoweeyey si weyn, iyadoo maalinimadii Axadda ee toddobaadkan oo ay weftigaasi halkaa gaadheen aanay soo dhoweyntooda u kala hadhin madax-dhaqameedka, madaxda maamulka iyo dadweynaha gobolkaasi, isla markaana waxa kale shalay Laas-caanood gaadhay  koox salaadiin ah oo ay ka mid yihiin suldaan Maxamuud Guuleed Mire, suldaan Nadiif Siciid iyo suldaan Maxamuud X. Xuseen Nuur oo ka tegey magaalada Burco, laakiin salaadiintani waxay dhowaan magaalada Burco ka soo saareen baaq ay u jeediyeen beelaha gobolka Sool iyo guud ahaan dadka Reer-Somaliland, taas oo ay ku baaqeen in la joojiyo colaadda sii xumaanaysa ee u dhexaysa qaar ka mid ah beelaha wada dega gobolka Sool.

 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Burco, Liibaan Maaweel Shire oo hadda jooga magaalada Laas-caanood waxay weftigaasi fadhigoodii u horeeyey oo is xaal-waraysi ah Isniintii doraad la yeesheen hogaamiyayaasha Reer-Sool, iyadoo ay salaadiinta weftigu gooni ula fadhiisteen garaadada Reer-Sool, halka ay siyaasiyiinta iyo wax garadka kale ee weftigu gooni ula fadhiisteen ragga Reer-Sool ee dhigooda ah.

Sida ay wararku sheegeen dhibaatooyinka ay ergadu xal u helidooda gelayaan waxa ka mid ah utumo dhex yaal beelaha Jaamac Siyaad iyo Naaleeye Axmed, iyadoo ay aanooyinka iyo ciil-qabka labadaa reer dhexyaal sababeen dilkii nin caaqil sare ahaa loo geystay, marxuum: Daahir Faarax Jaamac oo Sabtidii toddobaadkan lagu dilay toogasho magaalada Laas-caanood gudaheeda, iyadoo uu waqtiga uu dilkaasi dhacay ahaa maalin ka hor markii ay weftiga culus ee socdaalka ku jooga Laas-caanood gaadheen halkaa. Sidoo kale waxa mushkiladaha ay weftigaasi isu xilqaameen xal u helidooda ka mid ah colaad daba dheeraatay oo beryahan ka dhex-oognayd beelaha Fiqishini iyo Reer-Cilmi e degaanka Adhi-cadeeye ee gobolka Sool, kuwaas oo ay dhawrkii toddobaad ee ina dhaafay ku kala dhinteen ugu yaraan afar nin, iyaga oo weftigu waxay Isniintii doraad booqasho tacsi ah Qoyskii uu ka baxay caaqilkii la dilay, marxuum: Daahir Faarax. Hase yeeshee maalintii shalay ayey weftigu bilaabeen kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen beelaha wax kala tabanaya, taas oo ay la filayo inay sii wadayaan maalmo dhawr ah.

 

Weftigan culus ee ah isku dhafka salaadiinta, siyaasiyiinta, odayaasha Guurtida iyo wax garadka kale waxa lagu wadaa inay horseed u yihiin barnaamij dhinacyo badan leh oo uu madaxweyne Rayaale ugu gogol-xaadhayo inuu mustaqbalka dhow siyaasadaha hogaamineed iyo maamul ee dawladiisa ka hir geliyo gobolka Sool, laakiin ujeedada ugu weyn ee hawl-galka weftigaasi waxay tahay turxaan bixinta iyo xal u helidda cabashooyin ay Reer-Sool ka tirsanayaan siyaasadaha hogaamineed iyo maamul ee dawladda Somaliand. Hase yeeshee boqor Maxamuud Cali Carab oo weftigaa ka tirsan ayaa Haatuf u sheegay inaanay weftigu weli gudo gelin arimihii ay u socdeen, isaga oo boqorku intaa ku daray inay ku horaynayaan turxaan bixinta beelaha gobolka ee ay wax kala tirsanaya.  “Marka aanu dhamayno hawlahan yar yar ee gobolka dhexdiisa ka jira ayaanu u gud-baynaa arimihii aanu u soconay”ayuu yidhi boqor Maxamuud.

 

Magaalada laas-caanood oo uu xaaladeeda nabadgelyo khatar geliyey dilkii Sabtidii ee lagu fuliyey ninkii Caaqilka ahaa oo ay dad ka hadlay ku tilmaameen inuu dilkaasi salka ku hayey arimo siyaasadeed oo looga dan lahaa in lagu hor joogsado weftiga Reer-Somaliland oo gobolka tegaya, laakiin sida uu sheegay weriyahagu xaaladda nabadgelyo ee magaaladaasi hadda waa caadi, kama jiraan wax dhibaato ah oo taag-taagani, inkasta oo magaalada dhexdeeda lagu arkayo niman dhalinyaro ah oo qoryo ku gaadhan.

 

Sida la ogyahay beelaha ama dadka Reer-Somaliland waxay dhaqan u leeyihiin inay colaadaha dhex-mara isaga ergeeyaan , taas oo hadii ay laba beelood ama beel gudaheeda colaadi ka hurto ay dadka ama beelaha Reer-Somaliland caado u leeyihiin inay isu gurmadaan sidii marar hore oo badan dhacday, sidaa darteed dedaalka nabad raadinta ah ee ay weftiga culus ee socdaalka ku jooga gobolka Sool ka galeen beelaha ay calool-xumadu hdex-taal waxa si weyn loogu xusuusan karaa waan-waantii iyo nabad raadintii laga galay colaadihii kala duwanaa ee sannadihii ina dhaafay ka huray beelo kala duwan oo Somaliland ah, iyadoo marka laga yimaado kulamo doceedyo dhawr ah oo lagu dhex-dhexaadiyey beelo diriri dhex-martay ay guud ahaan beelaha Somaliland isugu yimaadeen ilaa saddex shirweyne oo ka kala dhacay magaalooyinka Burco, Boorame iyo Hargeysa, shirarkaas oo nidaamyadii dawladeed ee lagu dhisay ka sokow uu bud-dhigoodu ahaa, kuwo lagu soo af-jaray colaado sokeeye oo dhacay.                

 

Wakiillada: Ajandaha

Kal-Fadhiga Iyo Qoddobada Doodda Ba’ani Ka Taagan Tahay 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Muadanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay maalintii labaad ku guda jira dood ku saabsan wax ka bedelka iyo tifaftirka qoddobada ajandaha kalfadhiga 18aad, waxayna dood kululi ka taagan tahay qoddobo ka mid ah ajandaha oo ay mudanayaasha qaarkood ku doodeen in meesha laga saaro, laakiin ay qaar kalena ku doodeen in meesha loo daayo.

Qoddobada ajandaha ee uu shir-gudoonku soo hor-dhigay golaha oo ka kooban ilaa sagaal qoddob ayey laba qoddob oo ka mid ah kooxo mudanayaal ahi soo jeediyeen in meesha laga saaro, halka ay rag kalena taa difaaceen, waxayna labadaa qoddob kala yihiin: Qoddob u dhigan qiimaynta wax qabadka madaxweynaha iyo qoddob kale oo u dhigan xog-waraysiga guddiga doorashooyinka, iyadoo ay qoddobadaasi, gaar ahaan qoddobka ku saabsan madaxweynaha ka dhalatay dood waxoogaa xasaasiyad ah xambaarsan, taas oo keentay inay xataa rag mudanayaal ahi isku fara saareen doodii shalay ka socotay madashii shirku ka socdey ee Xarunta golaha wakiilada.

 

Ilaa tobaneeyo mudane ayaa doodii shalay socotey ra’yigooda ka dhiibtay sida ay u arkaan qoddobada dooddu ka taagan tahay, kuwaas oo qoddobada dooddu ka taagan tahay ku kala afkaar duwanaa. “Anigu ma arko wax cusub oo meesha ku jira, waayo waxa weeye madaxweyne cusub distooriyan bay inoogu qornayd inuu barnaamijka uu wadanka ku hogaaminayo iyo xukuumadiisa inoo keeno, hadii xukuumadda la qiimeeyo iyo hadii la yidhaahdo madaxweynaha hala qiimeeyo waa isku mid, markaa yaan sas laga muujin oo la siyaasadayn, sida iminkaba suuqa ordaysa waayo suuqa waxa taal madaxweynaha waxa lagu oogayaa eedayn, markaa yaan arinta la xoqin”sidaa waxa yidhi mudane Maxamuud Axmed Cali oo ka mid ahaa mudanayaasha shalay doodooda ka dhiibtay qoddobada dooddu ka taagan tahay, wuxuuna mudane Maxamuud intaa ku daray “Cudur ma jiro ee yaan cudur la gelinin, waxaana leeyahay xaaladda dalka iyo xukuumadda iyo madaxweynaha in la qiimeeyo waa lama huraan, waayo waxa lagu jiraa xili xasaasi ah”.

“Shir-gudoonku xaq buu u lahaa inuu ina hor keeno ajande, inaguna (mudanayaasha) wax ka bedel iyo wax ku dar xaq baynu u leenahay, waxaanse jeclaan lahaa inaynu ka gudub-no dhaqanka xun ee marka la yidhaahdo wax hala wanaajiyo turjumaadaha laga bixinayo, markaa wixii aynu saxayno aynu golaha dhexdiisa ku saxno”, sidaana waxa yidhi mudane Cali Heekh-doon, wuxuuna intaa ku daray “Waxaan maqlayey dad u dhigaya inuu Qaybe (gudoomiyaha wakiilada) qoddobka qiimaynta madaxweynaha meesha soo geliyey, isaga oo madaxweynaha ku xumaynaya, taasna aragtidayda waxaan leeyahay ma jirto waayo waxaynu og nahay markii Daahir Rayaale madaxweynaha laga dhigayey inuu gudoomiyaha wakiiladu kaalinta ugu muhimsan ka qaatay”.

 

Mudane Cali Sheekh-doon wuu sii wadey doodiisa, wuxuuna yidhi “Waxa kale oo aan leeyahay isna hala joojiyo dhaqanka ah inuu goor walba rag isku sawiro madaxweynaha ama ku dhowow, laakiin waa inaynu inagu danta qaranka ka shaqaynaa ileyn ummad baynu wakiil ka nahaye, distoorkuna waxa uu ina farayaa inaynu inagu siyaasadda dalku ku soconayo ku ilaalino dawladda, oo aynu toosino ama saxno, markaa qoddobka ah qiimaynta madaxweynaya, hadii loo dhigo xukuumadana waa isku mid waayo madaxweynuhu waa madaxii dawladda, sidaa darteed anigu waxaan qabaa in madaxweynaha iyo xukuumaddaba la qiimeeyo wax qabadkooda, waxaana ka soo baxaya wanaag uun, waayo wixii wanaag ahna waynu sheegaynaa, hadii ay dhaliili soo baxdana waynu toosinaynaa”.

 

“Madaxweynuhu mudadii uu xilka hayey ma jiro weli xog-waraysi ah oo uu golayaasha siiyey, debedaha ayuu u baxay, heshiisyo ayuu soo galay, markaa waa lagama maarmaan qiimaynta wax qabadka madaxweynuhu”ayuu mar kale yidhi mudane Cali Sheekh-doon.

 

“Waxa jira qoddobo qabyo ah oo uu maamulka garsoorku u baahan yahay inaynu go’aamino, markaa waa inaynu sharciyadaa ugu horaysiino ajandaha”,sidaana waxa yidhi mudane Faysal Xaaji Jaamac, wuxuuna intaa ku daray “waxa jira xeerar uu garsoorku hadda ku shaqeeyo, laakiin aan golayaasha marin si loo sharciyeeyo, markaa waa inaynu xeerarkaa sharciyeyno, waxaana xeerarkaa ka mid ah: Xeerka ciqaabta iyo habkiisa iyo xeerka madaniga iyo habkiisa, markaa waa inaynu ajandaha kow ka dhigno”.

Mudane Maxamed Muuse Abees ayaa isna doodiisa ka dhiibtay qoddobada ajandaha ee dooddu ka taagan tahay in ajandaha lagu daro iyo inkale, wuxuuna yidhi “Xafiisyadii gobolka iyo degmada ee la geyn lahaa liisaska musharaxiinta ee maanta laga doonayo ururada maba samaysna, markaa guddiga doorashooyinka waa in loo yeedho oo wa laga waydiiyo arimahaa waa lagama maarmaan, oo weliba yeedhista lagu daro guddiga diiwaan-gelintana Axsaabta oo, iyagana la waydiiyo ururada ay qiimeeyeen sida ay u qiimeeyeen, qoddobka qiimaynta madaxweynahana waxaan anigu qabaa inaan sas laga qaadin waayo waa waxa aynu doonayno inaynu wax ku saxno, madaxweynahana xaq baa loogu leeyahay madaxweynaha iyo xukuumadiisaba u yeedhaan waxna ka waydiiyaan duruufaha jira”.

 

“Horta qiimayn wax ceeb ah oo ku jiraa ma jiro, ragguna gole ayuu u yahay oo meesha ayuu u fadhiyaa, laakiin halka ah qiimaynta madaxweynaha, waxay ku qurux badan tahay in la yidhaahdo qiimaynta wax qabadka xukuumadda”,sidaana waxa yidhi mudane Aare, wuxuuna intaa ku daray “Waxa saska yar keenayna waa magac dhowga madaxweynaha, laakiin in wax la qiimeeyo ceebi kuma jirto, waxna ma kala lihine macnaynta iyo fasirka badana halaga daayo”.

 

Mudane Cali Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa mudanayaasha ka hadlay qoddobada in ajandaha lagu daro ay dooddu ka taagan tahay ayaa hoos u fadh-fadhay tafaasiisha siyaasiga ah ee laga bixiyey qoddobka qiimaynta wax qabadka madaxweynaha, wuxuuna yidhi “Waxay dadka qaar leeyihiin qoddobkan sababta lagu soo geliyey meesha waxa weeye madaxweynaha iyo gudoomiyaha wakiilada ayaa col ah, dabadeed-na eedayn baa madaxweynaha lagu ridayaa baa suuqa laga leeyahay, waxa kale oo lala leeyahay madaxweynuhuna waxa uu isna wataa qorshe uu ku ridayo gudoomiyaha wakiilada, markaa waxaan odhan lahaa sheekooyinkaa meesha halaga  saaro”.

 

“In la yidhaahdo odaygii waa cadhooday iyo in suuqa lagaa xanto ma haboona”ayuu yidhi mudane Cali Maxamed Cabdilaahi, isaga oo si gaar ah ula hadlaya ama farta ugu fiiqaya gudoomiyaha golaha wakiilada, mudane Qaybe.

 

Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa isna madasha ka hadlay, wuxuuna ajandaha shir-gudoonku soo hor dhigay golaha ku tilmaamay mid qiimo leh oo si fiican loo soo tifaftiray, laakiin wuxuu isna diiday ama ka hor yimi qoddobka ku saabsan qiimaynta madaxweynaha oo uu carrabka ku adkeeyey in ajandaha laga saaro. “Aniga waxay ila tahay inaanay haboonayn in qoddobkaa meesha lagu daro, waxaan leeyahay qoddobkaa sidiisaba meesha halaga saaro”ayuu yidhi mudane Maxamed Muuse Diiriye, isaga oo ka hadlaya qoddobka qiimaynta madaxweynaha, isaga oo mudanahani ku dooday inay arintaas iyo wixii la mid ahi dhaawici karayaan hawl-galada siyaasadeed ee dhinaca bariga Somaliland laga wado, iyadoo ay wefti culusi hadda socdaal siyaasadeed ku joogaan gobolka Sool. “wixii golayaasha maanta muran gelinaya waa inaynu ka digtoonaano”ayuu yidhi mudanahani.

 

Mudane C/waaxid C/qaadir C/raxmaan ayaa isna qoddobka dooddu ka taagan tahay ka hadlay, wuxuuna ka mid ahaa mudanaayasha taageeray inaan meesha laga saarin qoddobka qiimaynta madaxweynaha. “Marxaladda maanta lagu jiro waa marxalad u baahan inaynu qiimayno wax qabadka qiimaynta madaxweynaha”ayuu yidhi mudane C/waaxid. Laakiin mudane C/waaxid, isaga oo minbarka khud-badaha ee hoolka shirarka wakiilada ayuu gurrada fadhiga nin mudane ahi hadal kaga soo tuuray, hadalkaas oo uu mudane C/aaxid-na ka xanaaqay, ka dibna ka celiyey weedh xajiin leh oo ka xanaajisay mudanihii hadalka soo tuuray oo ahaa mudane Maxamed Xuseen Dhamac. Sidaa darteed mudane C/waaxid markii uu ka soo degay minbarka hadalka ayuu mudane Maxamed Xuseen Dhamac oo cadhaysani feedh la tiigsaday mudane C/waaxid, ka dibna labadaa mudane foodda ayey is dareen, laakiin markiiba waa la kala qabtay, wax yar ka dibna gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Qaybe ayaa fadhigii xidhay, maanta ayaana lagu wadaa inay dooddaasi soo gebagebowdo.

 

 “Annagu Waxaanu

Leenahay Doorashadu Waa Deg-Deg Ee Ha Laga Fiirsado”

 

Saleebaan-Gaal-------Q3aad- Faaqidaad Ku Saabsan Shakhsiyadda Iyo Aragtida Siyaasadeed Ee Gudoomiyaha ASAD

 

 

 

“Waxay ila tahay, waxaa taas beeninaya, urur baan hadda madax u ahay, ururkaasi beelaha Somaliland oo dhan wuu koobaa, ilaa beeshii Gabooyaha ee aan xuquuqdooda la soo qaadi jirin ayaa qayb weyn ku leh,” sidaa waxa yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan (S-Gaal) oo iska difaacaya dhaliilaha dadka qaar u aanaynayaan Siyaasaddiisa ee dhinaca qabaliga la xidhiidha. Isaga oo arrintaas ka sii hadlayana wuxuu Saleebaan yidhi; “Ha ahaato berigii hore ee aan madaxda ka ahaa dawladdii Soomaaliyeed, ama intii aan SNM, ama intan dawladda Somaliland la yahayba, waxaan qaybinayo oo aan gacanta ku hayo oo aan qabyaalad reerkayga ugu buriyay ma jirto, maantana ma dhacayso. Waxaana kuu muujinaya, haddii ay bulsha-weyntii reer Somaliland iyo wax-garadkoodu sidaa ii arkaan, dee laygama dhigeen Guddoomiyaha, oo na hoggaami may yidhaahdeen, markaa ninkii xumo doonaya ayuun baa sidaa odhanaya.” Dadka qaarkood waxay ku dhaliilaan Saleebaan, inuu Yahay nin hadal siyaasadeeedkiisu had iyo goor astaamo colaadeed xambaarsan Yahay oo aan erayo debacsan oo naruuro leh adeegsan. Lama odhan karo, taasi waa fikir ay dadkoo dhami ka aaminsan yihiin siyaasaddiisa, hase ahaatee waa mid ay dadka hoggaamintiisa dhaliila ee mucaaradka ku ahi ku durraan hab-siyaasadeedkiisa. Haddaba, mar aan Guddoomiyaha Is-bahaysiga ASAD wax ka weydiiyay taas, wuxuu ku jawaabay; “Waaryaadhaheen, dee horta dacaayad fiday bay taasi ahayd. Maamulka ayuun baana dacaayaddaa fidinaayay. Awood dawladeedna shakhsi lama beratami karaynoo sidaad isaga daafacdaaba way adkayd, ama warbaahinta ay haysatay ha ahaato, ama dhaqaale ha ahaato, ama dadka u shaqaynayaba ha ahaatee. Wax ama cunfi ah ama dhiif leh oo aan is lahaa waad ku hadaaqaysay ma jirin baan anigu qabaa. Eraygi aan idhaahdaba, haddaan ka soo qaado kan meel walba laga riday ee ah, waxaan maanta nin u aqaanaa ka lafaheena kala badbaadiya, waar anigu baqe ayaan muujinayay. Waxa xumi haddaanay joogsan bulshadu way isku dhacaysaa baan muujinayay. Hase ahaatee, waxa loo dhigay nin wax haddidaya, oo dagaal qaadaya, igamanay ahayn. Markaan wixii xun tilmaamana dawladdaa warbaahinta haysatay nin dhibaato wadda ayaa layga dhigayay.”

 

Saleebaan Maxamuud Aadan, isaga oo isla arrintaa ka sii haldaya, wuxuu yidhi, ‘Laakiin nin marna isku dayay qaybin ama in dagaal dalka ka dhaco marna maan ahayn. Nabadayntiina anigu waxaan qabaa inaan bud-dhigayaashii ka mid ahaa, intii ka dambaysayna ururin uun baanu wadnay aniga iyo rag kaleba, ilaa maantana waanu wadnaa. Laakiin dee ninkii xumahayga doonayaa wax badan oo uu qalloocin karo wuu samaysanayaa.” Magaalada Burco ee xarunta u ah Gobolka Togdheer, waxa hore u soo maray duruufo qallafsan oo ragaadiyay koritaankeedii, duruufahaana waxa ugu dambeeyay dagaalkii sokeeye 1995-kii ka qarxay magaaladaas, kaas oo ay isku hirdiyeen malleeshiyo mucaarad ahayd iyo ciidamadii maamulkii talada hayay oo uu Saleebaan laftiisu markaas wasiir ka ahaa, kuwaas oo xilligaa loogu yeedhi jiray “Maryo-allool.” Haddaba marka laysu eego xilligaa iyo waqtigan xaadirka ah, maqaamka uu siyaasiyan Saleebaan Maxamuud ka taagan yahay, waxa la odhan karaa faraq baa u dhaxeeya. Sidaa aawadeed, Guddoomiyaha ASAD, isaga ka sheekaynaya waxa is-beddelay wuxuu yidhi; “Horta, reer Burco way daaleen, khusuusan labada beelood ee labada daamood ayay ahaayeen nimanka hirdamayay ee dib-u-dhaca ku keenay Burco iyo Tog-dheerba.

Dee bani’aadamku marbay toosaane dantooday ku baraarugeen. Waxay ogaadeen wax isu dhaamaa inaanay jirin, dabadeedna waxay samaysteen guddi midaysan, waxaana runtii sal u ahaa mucaaradadan ballaadhan ee markii dambe fiday isu-tagaa labadaa beellood, ee waxa xun diiday ee ku dhawaaqay, guddigana waxay u samaysteen dantooda iyo horumarinta degaankooda, waayo, waa isku ceel, waa isku daaq, dee markaa dantooday garteen, llaahayna ha u siyaadiyo.”

 

Saleebaan wuxuu xusay, inuu xoog uga shaqeeyay dhinaca nabadaynta iyo sidii looga kori lahaa dib-u-dhaca. “Anigu shir-ballaadhan oo ka dhacay xarunta D/Hoose ee Burco oo la wada fadhiyay ayaan kula hadlay, oo aan ku idhi waaryaadhaheen dagaal wax wanaag ah oo uu soo wadaa ma jiree dejiya gobolka, oo weliba labadiina qolo dejiya gobolka. Intii ka dambaysayna waanu ka shaqaynay nabadaynta.”

 

Intaa ka sokow, siyaasiga Saleebaan-gaal, waxaan wax ka weydiiyay, magaca ururkiisa ee ASAD iyo sidii uu ku baxay, isaga oo arrintaas ka jawaabayana wuxuu yidhi; “Horta ASAD, waa magac koobaya xarfaha magaca ururku u taagan Yahay. Marka Af-Somali lagu sheego, ururka Badbaadinta iyo Dimuqraadiyadda Somaliland, wax dheer oo marka la soo gaabiyo aan micne samaynayn, oo rakibaaddiisu ay adkaanayso buu noqday. Markaa Waxaanu qaadanay wixii uu u taagnaa Af-Ingiriisi ahaan, oo la soo gaabiyay. Horta gebigiisuba intaasuu ASAD ka kooban Yahay.” Saleebaan wuxuu intaa ku daray; “urur inuu ad-adkaado, oo runta sheego, oo u halgamo wuxuu doonayo, waa waajib weeye. Laakiin annaga nagama ahayn magacani libaax dadka kaga dhiijiya oo miciyaha sudha, ee sidaa aan soo sheegay ayuu ku yimi. Waan maqlayay dad leh qolada H-Yoonis ama Gar-xajis baa magaca lahaydoo, markaa qolodaasay koodii soo qaateen oo ay ku raali-gelinayaan. Waar cidna laguma raali-gelinayne, cuqadna nagagama jirin qollaa leh magaca ee ha qaadanina. Magacuna, waa xayawaan wanaagsan, inkasta oo uu xoolo iyo dad-ba cunno, haddana waa xayawaankaa la wada daawanayo.”

 

Go’aan qaadashadu, waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee laug qiimeeyo qofka siyaasiga ah ee doonaya inuu bulsho hoggaamiyo, sidaa daraadeed, dadka Saleebaan-gaal siyaasaddiisa naqdiyaa waxay ku doodaan inuu Yahay nin si deg-deg ah oo caadifadi ku jirto u go’aan qaata, isla markaana aan ka fiirsi badan samaynin marka uu arrin ka go’aan qaadanayo. Hase yeeshee, guddooomiyaha ASAD, sidaa ma qabo, Waxaanu ku tilmaamay inay tahay mid aan jirin. “Isuma-qabo sidaas. Rag waanu wada shaqaynaa, markaa anigu waxaan qabaa inaan ahay qaado halka loo badan Yahay. Rag baanu danaha dalka ka doodnaa, oo aanu ka wada-hadalnaa, oo aan madax ugu ahay. Markaa dhankii loo bato ayuun baan anigu ku soo gebo-gebeeyaa. Haddii aanan sidaa yeelayn, waar sow laygama tageen.”

 

Dhinaca kale, Salebaan Maxamuud Aadan (S-gaal), mar aan wax ka weydiiyay aragtidiisa ku wajahan marxaladdan kala-guurka ah ee maanta dalku marayo, wuxuu sheegay inaan laga soo bixin shuruudihii bud-dhigga u noqon lahaa doorasho xor iyo xallaal ah oo dalak ka dhacda. Sidaa aawadeedna uu ku talinayo in laga digtoonaado wixii aan caddaaladda waafaqsanayn.

“Waxaan leeyahay, doorashooyin-na waa lagu dhawaaqay, oo October aakhirkeeda ah, anagu Waxaanu leenahay waar waa deg-deg ee halaga fiirsado,” ayuu yidhi.

 

Waxaanu intaa raaciyay; “Wixii dhibaato inoo keenayana waa inaynu dib uga fadhiisanaayoo, wadajir iyo wada-tashi xal ugu doonaa. Muddo kordhin iyada hadalkeedaba daa, Waxaanu-na leenahay taasi waa xaaraane, ha laysu yimaado oo haddii shuruudahaa xallaalaynaya doorashada laga soo baxayna aynu galo, haddii aanay diyaar ahayna, dhankii kale ee aynu uga wareegayno aynu uga wareegno.”

 

Loolanka Murashaxiinta Ururka

UDUB Ee Golaha Deegaanka Hargeysa

Harg (Haatuf):- Qaar ka mid ah xafiisyada ururka UDUB ee magaalada Hargeysa, ayaa bilaabay diiwaan-gelinta magacyada musharraxiinta Golayaasha degaanka caasimadda ee UDUB uga qaybgelaya tartanka doorashooyinka D/Hooe, ee Somaliland oo bilaabmaya 27 October, 2002.

Xafiis ku yaal xaafadda Idaacadda oo ka tirsan degmada 26-Juun, ayaa ka mid ah goobaha ay sida tooska ah uga socotay diiwaan-gelintu, iyada oo ay dadku saf ugu jireen sidii ay isu liistayn lahaayeen.

 

Degmo kasta oo ka mid ah shanta degmo ee ay ka kooban tahay caasimada Hargeysa, waxaa loo cayimay shan xafiis oo ay ka dhacayso hawsha diiwaan-gelinta magacyada taageerayaasha musharraxiinta tartanka D/hoose uga qaybgelaya ururka UDUB oo ay ku jiraan badiba madaxda sar-sare ee xukuumadda Somaliland.

Qof kasta oo raba inuu isu sharraxo Golaha degaanka, waxaa looga baahan Yahay, inuu xafiiska keeno ugu yaraan 75 qof oo taageersan musharraxnimadiisa, iyada oo qof kasta oo is-diiwaangelinayana laga qaadayo toddoba kun oo shillinka Somaliland ah.

 

Prof. C/raxmaan Axmed Xasan (Shunuf), oo ka mid ahaa dhawr boqol oo qof oo hor-tubnaa xafiiska UDUB ee Idaacadda ayaa sheegay inuu Yahay musharrax ka qaybgelaya tartanka golayaasha degaanka Hargeysa, iyada oo dadka uu la joogayna ay ahaayeen taageerayaashiisa.

C/raxmaan oo ka hadlaya sababta waqtigan ku kelliftay inuu isa soo sharraxo ayaa caddeeyay sida uu u aaminsan Yahay doorashooyin xor ah oo dalka ka dhacaa, inay tahay fursadda keliya ee lagaga gudbi karayo habka xalka ah ee hadda lagu soo doorto madaxda dalka. “Waa in la helo gole degaan oo shacbigu doortay oo ay wax-qabad kula xisaabtamaan, si loo helo jiil cusub oo wax-qabad leh-na waa in da’ yartu ka qaybqaadato tartanka D/Hoose, iyo Baarlamaanka,” sidaa waxa yidhi C/raxmaan Shunuf oo sheegay in tallaabdani tahay mid lagu beddeli karo dadka waaweyn ee shaqooyinka wada haysta oo buu yidhi budh-cad u badan. Maadaama uu fashilmay hannaankii awooda maamulku ku urursanayd gacanta dawladda Dhexe, ayay Somaliland qaadatay habka Maamulka fur-furan ee isku xukunka magaalooyinka (Decentralization), sidaa darteed, waa in golayaasha degaamadu ku yimaadaan hab doorasho ah, taas oo ah mid Dastuurka Somaliland fasaxay.

 

“Maadaama aan nasiib u yeeshay oo distoorku ii oggolaaday waxaan u ordayaa u tartanka golaha degaanka caasimadda, oo ka mid ah tartanka dawladda Hoose,” ayuu ku daray Mr. C/raxmaan.

 

Inkasta oo ururka UDUB ee xukuumaddu ku badan tahay si weyn isugu diyaarinayo ka qaybgalka doorashooyinka dalka, haddana ma muuqato abaabul la mid ah oo ka muuqda ururada kale, marka la barbar dhigo ololaha ay xukuumaddu ku doonayso inay ku hantido talada dalka.

 

 Muwaadiniinta Qurba-Jooga Ah

Oo Ka Cawday Sida Ay Ula Dhaqmaan Diyaaradaha Waddaniga Ahi

 

Harg (Haatuf):- Muwaadiniinta qurba-jooga ah ayaa si weyn uga cawday hab-dhaqanka ay kala kulmaan shirkadaha diyaaradaha waddaniga ah iyo madaarada dalka, isla markaana muujiyay dhibaatooyin ay kala kulmaan marka ay ku laabanayaan dalalka ay ku dhaqan yihiin, ee ay dalka ka dhoofayaan. Sidaana waxa war-saxaafadeed ku soo saaray ururka lagu magacaabo Somaliland Democracy Watch (SDWO).

 

War-saxaafadeedkaas oo khadka Internet-ka Haatuf loogu soo gudbiyayna wuxuu u dhignaa sidan:

“Dhibta taala madaarka Hargeysa waxa uu noqday mid ka argagaxisey dadka fasaxyada u taga Somaliland.

SDWO Waxa uu u kuurgalay waraysiyo kala duwana la yeeshay dad badan oo Somaliland u dhashay oo booqasho ku tagey dalkii hooyo, iyada oo dadka sanadkan tegay dhibaatooyinka ay kala kulmeen madaarka hargeysa ay ku tusayso in ay dhibaatadu sii kordhayso sanadba sanadka ka dambeeya marka loo eego dhibaatooyinkii dadku sheeganayeen sanadkii 2001.

 

Muwaadiniinta u dhashay Somaliland ee jooga qaaradaha kala duwan ee aduunka ayaa xiliga fasaxyada sanad walba aad arkaysaa dad badan oo ku sii qulqulaya dhulkoodii hooyo.

Dhibaatooyinka lagala kulmo madaarka Hargeysa waxa ka mid ah in qofku isaga oo booking diyaaradeed haysta hadana aanu ogeyn in uu raaci karo diyaarada iyo inkale, mararka qaarkoodna dhacda in laga reebo oo la yidhaahdo way buuxdaa.

Dhibaatadini waa ta ugu weyn ee qabsata dadka safarka ah, kuna keenta werwer iyo walaac inta ay ku sugan yahiin madaarka dhexdiisa, sababtoo ah iyada oo uu qofwaliba uu booking ku socdo oo laga yaabo in uu shaqo ama wax barasho ka habsaamayo ayaa waxa dhacda in halkaas uu muran wayni ka dhaco. oo xataa booliiska loo dalbado, qofka oo xaq u leh in diyaaradii uu booking garaystay ee uu lacagta ka bixiyey raaco hadana boolisku hadidaad  iyo caga juglayn uu kula dhaqmo, madaarkana dibada looga soo tuuro.  Dadka intooda badanina waxa ay u arkaan in xidhiidh hoose oo wada shaqayn ahi ka dhaxeeyo booliska madaarka iyo shirkadaha diyaaradaha.

 

Dhowaan waxaan la kulmay nin laga reebi gaadhay diyaaradii uu ku qornaa oo inta liiska la eegay lagu yidhi way buuxdaa,  Ninkaasi oo u badheedhay in la xidho hadii uu sharci daro ku socdo wuxuu cadeeyay in aanay cidina ka reebi karin diyaaradan, maadama uu ku qoran yahay diyaaradan, dhawr jeeroo horana laga reebay, halkaas waxa ka dhacay buuq iyo muran dheer oo xataa gacan ka hadal ku dhawaaday, deedna sidaas ayuu ku soo raacay diyaaradii, inkastoo aan kursi loo helin, waxa la siiyey kartoon uu ku fadhisto, kursigii uu lacagta kala baxayna waxa la siiyey qofkale.  laakiin nimaan sidaas ugu badheedhin halkaas ayaa lagaga reebayaa diyaarada uu ku qoran yahay.  Maadama ninkaas laga reebay dhawr jeer oo hore waxa dhacday in diyaaradii uu ku qornaa ee uu  ka raaci lahaa carabta una socotay yurub uu ka habsaamay, kuna qaadatay in sedex habeen uu ku jiro hudheel aan qorshaha markiisii hore ugu jirin.

Dhibaatooyinkan ku xad gudubka rakaabka diyaaradaha wax iska leh oo khalkhalkani ka jiraa shirkadaha diyaaradaha oo habka ay u wadaan maamulka iyo bookinka diyaaradaha aanu ahayn midka ka jira caalamka intiisa kale, waxaanad moodaa diyaaradaha in ay u rakaabinayaan sidii basaska oo kale.

Waxa aad loo dhaliilay habka booking ka diyaaradaha oo dhamaan ay ka siman yahiin kuwa laga leeyahay Somaliland, oo marka xafiiskooda la tago booking kuu samaynaya iyagoo buug kugu qoraya, iyadii oo aanay cidna u sheegayn in ay diyaaradu buuxdo oo qof walba loo booking garaynayo oo la leeyahay Ok dii waa lagu siiyey ee iskeen madaarka.

 

Arintani waa arin u taala maamulka madaarka hargeysa iyo guud ahaan wasaarada duulista iyo hawada, waana arin u baahan in degdeg wax looga qabto oo aanu madaarku noqon meel lagu dhibo muwaadiniinta u soo hiloowday dhulkoodii hooyo, oo ay dad badani ku tilmaameen in mararka qaarkood ay isku qaataan laajiyiin meeshii ay is lahaayeen muwaadiniin dhulkoodii hooyo tegaysa ayaad tahiin.

Nabadgelyada iyo sharciyada diyaaradahuna waa mid waajibkeeda ay leedahay wasaarada duulista iyo hawada, waana in aanay iska indhotirin ku xadgudubka nabadgelyada diyaaradaha oo la saarayo culays ka badan kii loogu talo galay, xagee lagu arkay diyaarad markay buuxsanto kartoon ama shandad lagu dul fadhiisto, sida maalin walba dhacda.

 

Waxaan ku soo gebogebeeyn lahaa waa in shirkadaha diyaaradaha ee dalka laga leeyahay ilaaliyaan sharciyada duulimaadyada oo qofkii booking ku jiraa maalintaas isagoon ka werwerin uu xaq u yeeshaa in uu raaco diyaaradaas uu ku qoran yahay ee uu lacagta ka bixiyey. Booliskana waxa ku waajib ah in dadka ay hadidaada ka daayaan oo qofkii wax sharci ah ku socda aan la dhibin ee xaqiisa la siiyo.

www.somaliland-democracy-watch.co.uk

 

 “Qofku Waa Inuu

Amarka Qaato Ama Jeelka Galo”

Madaxweynaha Simbabwi

 

 

Zinbabwi: Beeraleyda cadaanka ah iyo koox taageerayaasha dawladda Simbaabwi ah ayaa shalay rasaas isku waydaarsaday beer ku taal degmada Karoi oo ah magaalo ku taal waqooyiga dalka Simbabwi.

 

Ninka magaciisa la yidhaahdo IAN COCHRANE oo ka mid ah dadka beeraleyda ah ee cadaanka ah, ayaa isaga, hooyadii, walaashii iyo laba caruur ah waxa beertiisa ku weeraray 100 qof oo sitey ulo, dhagxaan iyo dhawr qori, waxayna dadkaasi doonayeen inay qaybsadaan beertaa, taas oo ay Qoyska cadaanka ah ee beerta lihina iska difaaceen dadka soo weeraray. Hase yeeshee booliska dalka Simbabwi oo goobtaa tegay ayaa xaaladda dejiyey sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Toddobaadkii hore ayuu madaxweynaha Simbabwi, Robert Mugabe hadal uu jeediyey dadka beeraleyda cadaanka ah ee ay arintani khusayso uga digay inay iska dhego tiraan barnaamijkiisa dib u qaybinta beeraha, isaga oo madaxweynaha Simbabwi ku tiraabay “Qofku waa inuu amarka qaato ama uu jeelka galo”.

IAN COCHRANE oo ah qoyska lagu weeraray beertooda ayaa sheegay inuu rasaas ugu jawaabay, ka dib markii ay dad boqol qof ka badani soo weerareen rasaasna ku fureen, isaga oo sheegay inuu sidaa yeelay , ka dib markii ay dad fara badani soo weerareen.

Beerta la weeraray waxa weli degan Qoyskii cadaanka ahaa ee lagu weeraray, weerarkaa ka dibna taageerayaasha maamulka Simbabwi halkaa way ka tageen sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee REUTERS.

 

Sharci ay dawladda Simbabwi ansixisay horaantii sannadkan ayaa 2900 oo beeralayda cadaanka ah ku amraya inay ka tagaan beerahooda, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu khasbay inay ka tagaan beerahooda, laakiin qaar badan oo kale oo beeraleyda cadaanka ah ayaa ka dagaalamay barnaamijkaa, iyaga oo dacwado ka furtay maxkamadaha dalkaa.

 

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee REUTERS ilaa 300 oo qof oo beeraleyda cadaanka ah oo ka dhego-adaygay amarka ay dawladda dalkaasi ku soo rogtay ayaa la xidh-xidhay, iyadoo ay sababta loo xidh-xidhayna ay tahay diidmada ay diideen amarka ay dawladdu ku farayso inay ka guuraan beerahooda.

 

Dawladda Suudaan Iyo Jabhadda SPLA

 

 

Jabhadda SPLA ee ka dagaalanta koonfurta Suudaan ayey hogaamiyayaasheedu sheegeen inay qarka u saaran yihiin inay qaybsadaan magaalada ugu weyn koonfurta Suudaan ee Jubba.

Oyey Deng Ajok oo ka tirsan SPLA oo BBC-da la xidhiidhay, isaga oo jooga meel u dhexaysa magaalooyinka Torit iyo Jubba ayaa sheegay inay ciidamadoodu u sii jeedaan dhinaca magaalada Jubba, taas oo uu sheegay inay ciidamadoodaasi magaalada Jubba kaga began yihiin jihooyin kala duwan.

Dawladda Suudaan ayaa, iyana dhinaceeda sheegtay inay isu diyaarinayso sidii ay dib ugu qabsan lahayd magaalada Torit oo dhowaan gacanta u gashay jabhadda SPLA.

 

Maalintii Isniintii ee toddobaadkan ayey diyaaradaha dagaalka ee dawladda Suudaan hawada ka duqeeyeen magaalada Torit, laakiin waxay wararku sheegeen inaanay duqayntaasi wax waxyeelo ah u geysan jabhadda SPLA, iyadoo ay weeraradaa duqaynta ah fuliyeen diyaaradaha la yidhaahdo Antonov iyo Helicopters.

Dawladda Suudaan waxay doonaysaa inay jabhadda SPLA ku khasabto inay aqbasho xabad joojin, isla markaana ay jabhaddu ka baxdo magaalada Torit ka hor inta aan la isugu soo noqon wada hadalada u dhexeeya dawladda Suudaan iyo jabhadda SPLA.

 

Samson Kwaje oo ah wakiilka jabhadda SPLA u fadhiya caasimadda Kenya ee Nayroobi ayaa sheegay inaanu jirin cadaadis caalami ah oo jabhadiisa lagaga dalbaday ama lagaga dal-banayo inay ka baxaan magaalada Torit. Sidoo kale weftiga jabhadda SPLA uga qayb gelaya wada hadalada u dhexeeya dawladda iyo SPLA ayaa weli ku sugan magaalada Nayroobi, waxayna halkaa ku sugayaan inay dawladda Suudaan dib ugu soo noqoto wada hadaladii u dhexeeyey oo ay ergadii dawladda Suudaan uga qayb  gelaysay wada hadaladaa cadho kaga baxeen toddobaad ka hor. Laakiin waxay dawladda Suudaan hadda sheegtay inay dib ugu soo noqon doonaan wada hadalada, ka dib marka ay magaalada Torit gacanta dawladda soo gasho.

 

 

Shirkadaha Maraykan Iyo Qorshaha Ganacsiga Dayaxa

 

 

Dawladda Maraykanka ayaa markii u horaysay shirkadda Tran Orbital ee gobolka California u ogolaatay inay sahamin ku samayso, isla markaana ay sawiro ka soo qaado dhulka ku yaal dayaxa.

Wasaaradda Maraykanka u qaabilsan badaha waaweyni iyo hawada sare ayaa shirkadaa u ogolaatay inay hawada u dirto dayax-gacmeedadii sahanka ku soo samayn lahaa dayaxa, waxaana socdaalkaa sahanka ah loo qorsheeyey bisha Juun ee sannadka 2003, iyaoo dayax-gacmeedadaa laga diri doono Kasakhstan.

Go’aanka ay dawladda Maraykanku shirkadaa ugu ogolaatay inay sahamin ku soo samayso dhulka dayaxa waxa uu bilow u yahay dayaxa oo loo furay hawlo ganacsi.

 

Dennis Lauric oo ka tirsan shirkadda Tran orbital ayaa sheegay inuu dayaxu yahay meel weli u dihin horumarinta ganacsiga, waxayna shirkadda Tran Orbital ku qaadatay inay hesho fasaxa loogu ogolaaday sahaminta dhulka dayaxa muddo laba sannadood ah, iyadoo shirkadda dhinaceeda shardi lagaga dhigay inay cadayso qalabka ay hawsheeda sahaminta u adeegsanayso ee ay dayaxa u diraysaa inaanu ahayn qalab wasakh gaadhsiinaya dayaxa iyo inaanu hawl-galkaasi noqon mid baabi’iya raadadka ku yaal dayaxa ee ay kaga tageen dadkii hore.

 

Shirkaddan ayaa la sheegay inay mashruuceedan ay ku sahaminayso dayaxa uu qayb ka yahay qorshe dheer oo la xidhiidha isgaadhsiinta iyo horumarinta bad-mareenimada.

Mr. Lauric oo ah sarkaal ka tirsan shirkadda Tran Orbital ayaa sheegay in qiimaha waqtigan xaadirka ah loogu safri karo dayaxa uu hoos u dhacay.

 

Dhinaca kalena shirkadda kale ee la yidhaahdo Lunacorp ayaa, iyana u diyaar ah inay ka qayb gasho suuqa ganacsi ee dayaxa, waxayna labadaa shirkadood-ba rajaynayaan inay lacag ka helaan sawirada ay ka soo qaadaan dayaxa dhulkiisa iyo degaamadiisa kala duwan, isla markaana safar 90 maalmood qaadan doona oo ay dayaxa ku tegi doonaan shirkadahaasi ayey filayaan inuu noqon doono mid xiisa leh. 

 

Maanta Iyo Xusuusta 11-September

Qirashada Al-Qaacida Iyo Werwerka Maraykanka

 

Al-jasiira: Maanta oo ay bishu tahay Sabtembar 11, 2002 waxay ku beegan tahay sannad-guuradii koowaad ee weeraradii loo geystay magaalooyinka Washington iyo New-york, waxayna weeraradaasi dhaceen maanta oo kale (11-kii Sabtembar) sannadkii 2001.

Habeenimadii xalay ayuu telefishinka Al-jasiira baahiyey cajalad maqal iyo muuqaal ah oo ay ku jiraan sawiro muujinaya sidii uu ururka Al-qaacida u fuliyey weeraradii loo geystay Maraykanka, waxaana taa loogu talo galay xuska dhacdadaa.

 

Dhinaca kalena dalka Maraykanka waxa hadda ka socda diyaar garaw xoog leh oo la xidhiidha sugidda amaanka dalka Maraykanka, iyadoo heegan la geliyey ciidamada qalabka sida ee Maraykanka, isla markaana lagu talaabsaday hawl galo dhinaca sugidda nabad-gelyada ah.

Cajaladda uu sii daayey telefishinka Al-jasiira waxa ka muuqday qaar lagu tilmaamay inay ka mid yihiin raggii fuliyey weeraradii Maraykanka oo qaadanaya tababaro ku saabsan sida diyaaradaha loogu fuliyo weerarada is-biimaynta ah. Waxa kale oo cajaladaa ka muuqday rag la barayo khariidadda magaalada Washinbton iyo halka ay ku taal Xarunta wasaaradda gaashaan-dhigga Maraykanku. Sidaa awgeed waxay taasi u muuqataa inay tahay markii ugu horaysay ee uu ururka Al-qaacida baahiyo sawiro ku saabsan sidii loo fuliyey weeraradii Maraykanka iyo kuwa ay ahaayeen raggii weeraradaa fuliyey, iyadoo cajaladda laga baahiyey Al-jasiira lagu muujiyey inay raggaasi markii ay tababarka qaadanayeen joogeen magaalada Qandahaar ee dalka Afganistan bil ka hor intii aanay u ambabixin dalka Maraykanka.

 

Waxa kale oo sawirada cajaladaa ka muuqday Usama Bin Laden oo ragga weeraradaa fuliyey mid mid u dhiiri gelinaya, isla markaana si gaar ah ula ballamaya hogaamiyihii kooxdaa oo magaciisa lagu sheegay Maxamed  Cadda oo ahaa nin u dhashay dalka Masar, laakiin sida ka muuqatay cajaladda ay sawiradani ku jireen ee laga baahiyey telefishinka Al-jasiira ragga fuliyey weeraradii Maraykanka waxa loo qaybiyey afar kooxood oo kala ahaa: Koox uu hogaamiye u ahaa Maxamed Cadda, kooxdaas oo lagu tilmaamay inay fulisay weerarkii lagu qaaday daartii koowaad ee labadii daarood ee dhismayaashii Xarunta ganacsiga adduunka ee magaalada Newyork. Sidoo kale kooxda labaad waxa hogaaminayey nin magaciisa lagu sheegay Marwaan Shuxii oo la yidhi waxa uu u dhashay dalka Imaaraadka Carabta,. Waxaana la sheegay inay kooxdaasi fulisay weerarkii lagu qaaday daartii labaad ee dhismihii Xarunta ganacsiga adduunka.

 

Kooxda saddexaad-na waxa hogaaminayey nin magaciisa lagu sheegay Haani Xanjuur, waxaana la sheegay inay kooxdaasi fulisay weerarkii lagu qaaday Xarunta wasaaradda gaashaan-dhigga ee magaalada Washington iyo kooxda afraad oo la sheegay inuu hogaaminayey nin magaciisa lagu sheegay Siyaad Jaraax, kooxdaas oo, iyana lagu tilmaamay in loogu talo galay inay fuliyaan weerarkii loo qorsheeyey aqalka cad ee Maraykanka, halkaas oo ay diyaradii loogu talo galay inay duqayso ay burburtay intii aanay soo gaadhin bartilmaameedkii loogu talo galay oo ahayd aqalka cad ee looga taliyo dalka Maraykanka.

Waxa kale oo cajaladda ay Al-jasiira faafisay lagu soo bandhigay mid ka mid ah ragga la sheegay inay fuliyeen weeraradaa oo jeedinaya hadal dardaarrab ah, waxaana ninkaa magaciisa lagu sheegay C/casiis Al-Cumra.

 

Arintani waxay Maraykanka ku keentay wer-wer dhinaca amaanka ah, taas oo ay dawladda Maraykanku qaaday talaabooyin waaweyni oo lagu sugayo ammaanka dalka Maraykanka iyo hawl-galo ay qaadeen ciidamada kala duwan ee Maraykanku.

Waxa kale oo ay dawladda Maraykanku soo saartay digniino ay u jeedisay dadkeeda debedaha ku nool, kuwaas oo ay u sheegtay inay galaan taxader iyo feejignaan dheeraad ah oo ku saabsan ammaankooda, isla markaana waxa la xoojiyey ammaanka ilaa 260 ka mid ah safaaradaha ay dawladda Maraykanku ku leedahay dalalka caalamka.   

 

Dhashaaday Sugtaa

Xaajadaad Dhawrsataa Abide

Tixraac kulan lagu qabtay guriga madaxtooyada 16/04/2002, oo ay wada yeesheen xukuummadda iyo ururada siyaasiga ahi, oo uu gudoominaayey madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo waqtigaa ahaa ku xigeenka madaxweynaha, ayaa waxa lagaga wada hadlay oo ay xukuummaddu soo hor dhigtay shirka qodob ka mid ah xeerka doorashooyinka oo ka hadlaaya diiwaangalinta cod bixiyayaasha.

Qodobkaasi waxa uu leeyahay, "Waa in la diiwaan galiya cod bixiyayaasha muddada doorashadda ka hor."

 

Xukuummadda amma (UDUB) iyagoo ku ad-adag waxay tidhi; "Suura-gal ma aha in diiwaan galin la sameeya muddada doorashada ka hor, sida awgeed ha la iska illaaawo qodobka isaga ah".

Mawqifka lixdii ( 6 ) urrur siyaasadeed ee shirka ka qayb galay maalinta waxa uu ahaa mid aad uga soo hor-jeeda kaa xukuummadda oo odhanaaya; "Diiwaan galin la'aan muddada doorashada ka hor, doorashada dhacda mid xora oo xalaal ah ma noqon karto".ee sharciga ha lagu dhaqmo.( fiiri, haatuf. Taariikh. 17/04/2002).

 

Warsaxaafadeed ay soo saareen guddida doorashooyinka qaranku waxa ay ku cadeeyeen qoraalkooda in aan la samayn doonin wax diiwaan galin ah muddada doorashada ka hor, "sida ku cad xeerka doorashooyinka", balse cod bixiyayaasha la diiwaan galin doono isla marka ay codkooda dhiibanayaan waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka deegaanku oo sida ay u qorsheeyeen noqon doonta 27/10/2002.

Waxa aad iyo aad muhiim u ah in aynu garranno ahammiyadda ay leedahay doorashada deegaanka ee inagu soo fool leh.

1. Waxay noqonaysa doorashadii ugu horaysay ee ay ururro siyaasdeed oo wadani ahi si dimuqraadi ah ugu tartamaan maamulka dawladaha hoose ee dalkeena Somaliland.

2. Waxa ay noqonaysa doorashadii kali ahayd ee ay ururada tirada badan ee is diiwaan galiyeyay ku kala hadhayeen ee soo saaraysay sadexdii (3) xisbi siyaasi ee hanashada hogaanka dalka ku tartami lahaa sida dastuurka ku cad, kuwaas oo ku tartami doona mustaqbalka doorashooyinka golayaasha Baarlamaanka iyo Madax weynaha iyo ku xigeenka Madax weynaha.

In lagu dirqiyo hajoogte,xukuummadda maanta jirta umay diyaarinin doorasho xora oo xalaal ahi sidii ay dalka uga dhici lahayd, loogamana fadhiyo,waxase fajac iyo layaaba leh halkii ay ku ilaalin lahayd sharciga, taageeradan qaawan ee badheedka ah ee sharciga garab marsan ee ay guddida doorashooyinku isla garab taagtay xukuummadan ku caan baxday ku tumashada sharciga iyo hagrashada ummadeeda.

 

Is waydiintu waxa ay tahay:

Marka hore ma isla garansanahay ujeedada sharciga looga dhigay diiwaan gelinta cod bixiyayaasha muddada doorashada ka hor iyo ahmiyaddeeda, ee looga dhigay qodob ka mid ah xeerka doorashooyinka?

Xageeba laga marayaa qodobkaa sharciga ah ee ina horyaal?

Yaase awood u leh in uu wax ka badalo haddiiba loo baahdo?

Habkeebaase loo raacaya wax ka badalkiisa?

Miyeynaan ahayn qaran jira oo dawlad, dastuur iyo xeerar laga dheegay leh?

Miyaanay waajib inagu ahayn dhamaanteenba dhawrista, ilaalinta iyo dhaqangalinta dastuurka iyo xeerarka aynu dhiganay?

Maxayse noqon doontaa natiijada nidaam lagu bilaabay dhismihiisa si sharcidaro ah oo garab marsan dastuurka iyo xeerarka dalka u yaal.

 Maah-maahbaa odhanaysa:

ALIFKA ALXAMDU KAAGA QALOOCDA ALBAQARA AYUU KU DHIBAA.

Qore: Ahmed Mohamed Madar (Ururka Hormood - Norway).

 

Dhaqanka qalaad

Islaamku waa hab nololeed dhamaystiran. Dhinac kasta oo nolosha ka mid ahna way ka hadashay diinteena Islaamku. Xadiiska cadadkaygani waxaa uu ku saabsan yahay “Jarida Timaha” waxaa uu ka waramayaa habka uu Islaamku ina faray in loo xiirto timaha, gaar ahaan raga.

Haddii aad dhex lugeyso dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxaad kula kulmaysaa dhalinyaro Somalilander ah oo aad u tiro badan oo ku jaha wareersan dhaqamada foosha xun ee galbeedka. Waxa aad arkaysaa inamadii oo timaha badh jaray badhna reebay “waxaa ay goosteen dhoor” waxa kale oo aad la kulmaysaa kuwo kale oo timaha tidcay (waxaabad moodaa gabadh gashaanti ah) waxa intaas kasii naxdin badandhaqanka foosha xun ee jarida timaha oo gaadhay dhammaan gobolada jamhuuriyada Somaliland ha ugu darnaato caasimadeenan Hargeysa.

 

Waxaa aad arkaysaa inamo timihii daayay oo raameeyay oo aad moodo nin waalan oo timihii ku ramaysteen oo haddana ku faanaya. Waxa naxdin leh waalidka badankooda oo  raali ka ah ubadkoodda ku Milan dhaqamada qalaad ee waliba aadka u foosha xun, qaarkood waxa ay u arkaan ilbaxnimo sababtuna waa aqoonta diineed ee waalidka badankooda oo aad u hooseysa, Rasuulkeenu (NNKH) waxa uu inaga nahiyay qasaca, qasacu waa timaha oo badh la xiirro badhna la daayo (waa xadiis saxeex ah waxa wariyay C/laahi binu Cumar waxaana soo saaray Bukhaari iyo Muslim) waxa uu xadiisku inoo cadeeyay in ayna marna qofka muslimka ah u banaanayn in uu timaha badh jaro badhna reebo, waxase u noo banaan in aynu timaha wada xiirno dhammaan (dhukurano) ama si isku siman oo aan kala dhaadheerayn u xiirano, waxaynu soo qaadanay hal xadiis, waxase jira axaadiis kale oo kan la nooca oo iyaguna inaga reebaya (qasaca) oo timaha badha la jaro badhna la daayo. Sida ku cad kutubta qaarkood dhoor goosashadu waxay caado u ahaan jirtay wadamada Kiristanka ah iyo kuwa Yuhuuda, wakhtigan casriga ahna waxaynu ognahay in ay astaan u tahay dadka xun xun ee aan waxba ka xishoonin wax ka qabtaana aanu jirin dhalinyarada Somaliland ee habkan u xiirtaase si indho la’aan ah ayay ugu daydeen iyagoon iskaba hubsan xitaa dadka noocan u xiirtaa nooca ay ka yihiin waalidku waa in ay carruurtooda fahamsiiyaan waxyaabaha ay ka qaadanayaan dhaqamada qalaad iyo waxyaabahay ka taagayaan si arrintani u suuro gasho, waa in uu marka hore waalidku laftiisu aqoon u leeyahay kala saarida dhaqamada wanaagsan ee diinta Islaamka iyo dhaqamadda kale ee weecsan ee shisheeyaha ku ah diinta Islaamka iyo dhaqankeena shaki kuma jiro in ay haboon tahay inay ku barbaarinayaan ubadkoodda barbaarin u qalanta oo ku salaysan tarbiyada wanaagsan oo Islaamiya taasina waxay fududayn lahayd hadba wixii dhibaato ah ee soo kordhaya waxaana hubaal ah in waalidka ku toosan diinta Islaamka uu ubadkiisa si sahlan uga badbaadin karayo dhibaato kasta oo jirta iyo mid soo koroddhaba noocay doontaba ha ahaato dhibaataduye.

 

Waalidka ku toosan diinta islaama wuxuu ilmihiisa fahamsiiyaa in uu haysto diin dhamaystiran dhinac kasta oo aad ka eegtoba oo wax alla wixii xun diidan, wixii wanaagsanna dhiiri gelinaysa. Sidaasi awgeed inta ay muddan tahay in lagu daydaa uu yahay ilmaha tarbiyadda wanaagsan la siiyay laftiisa taasi waxay ilmaha yar u saamaxdaa inuu noqdo ilmo isku arka inuu isagu yahay kii lagu dayan lahaa dhaqankiisa. Bal iswaydiiyoo miyaad filaysaa ilmaha noocan ahina in uu u xiirto hab aanu islaamku ogolayn ama dhaqamo kale oo qalaad ku daydo? Maya, waa mid aan dhici karin waxa waliba laga yaabaa in uu Ilaahay ilmaha tarbiyada fiican la siiyay gacantiisa ku soo hadeeyo ummaddo dhan iyo kooxo tiro badan oo uu dhaqanku markii hore ka lumay ama uu ka habaabsanaa dhaqankeenan macaan ee diinta Islaamka ku salaysan.

 

“midna yaan la ilaawin, arrinta ugu muhiimsan ee ka horeysa quudinta Carruurta waa dhisida tarbiyada iyo shakhsiyada ilmaha yar ee soo koraya” ugu dambayntii, halka ay sartu ka qudhunsan tahay waa dhinaca waalidka Sidaasi darteed, waa in ay waalidku xooga saaraan barashada diintooda Islaamka iyo dhaqan gelinteedaba, si ay uga hortagaan aasaaska dhibaatooyinka jira oo dhan. Waayo; dhibaatooyinka jiraa waxay la jaan qaadaan kuna xidhan tahay barbaarinta hore ee Carruurta hadba sida ay tahay. Mida labaad, waalidku waa in ay ogaadaan in waxa xil ka saaran yahay uu ahayn quudinta oo qudha iyo ku dedaalka nolol maalmeedka Carruurta. Hase yeeshee, arrinta ugu muhiimsan ee ka horeysa quudinta Carruurta waa dhisida tarbiyada iyo shakhsiyada ilmaha yar ee soo koraya. Midna yaan la ilaawin, waalidku in ay masuul ka yihiin, aakhirona lagula xisaabtami doono tarbiyada carruurtooda.

 

Ilmahana waxaa laga rabaa in uu iska daayo dhaqamada qalaad ee aad ka naxayso fool xumadooda oo lagu dhaqmo baraarujinta ay waalidkoodu had iyo goor baraarujinayaan carruurtooda ee ku salaysan dhaqanka tarbiyada ee diinteenan macaanee “Furqaan” hadal iyo dhammaan waa in laga foojignaadaa hab xiirashada foosha xun ee la inooga keenay wadamada shisheeyaha ah ee reer galbeedka ah.

Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa:

“ku dayashada dhaqamada qalaad ee sida indho la’aanta loo qaadanayo waxa ay inagu keeni kartaa fool xumo weyn oo aan laga soo kaban karin oo ka fog dhaqankeena iyo diinteena Islaamka sidaa awgeed waa in ay dhalinyartu ka foojignaadaan”

Maxamed Axmed Xuseen (Maxamed Case)

 

Tiro-koobka Iyo Diiwaangelinta

Baryahan dambe waxay Madaxda dawladdu ku celceliyaan in doorashada deegaanka ee 27ka oktoobar ay muhiim tahay sababta oo ah tiro-koobka deegaanada oo lagu ogaanayo.

Haddaba waa in tiro-koobkaasi xalaal noqdaa, si doorashooyinku xalaal u noqdaan.

Marka hore waa in la soo saaraa xeer ciqaabaya cida isku deyda khiyaano oo ah in dhowr goor qofku codeeyo iskana diiwaan geliyo gooboo kala duwan.

 

In tira koobku ka dhaco goobta codbixinta waa positive, waayo; waxa goob joog ka ah wakiilo ka socda dhammaan ururada tartamaya sidoo kale waa in goob joog ay ka noqdaan odayaal deegaanka ah si ay u xaqiijiyaan cida codaynaysa inay deegaanka tahay ama codbixiyaha markhaati u ah oo marka hore guddiga odayaasha deegaanku xaqiijin u helaan si looga badbaado codeynta ajanabiga.

Waa in codbixiyaha la diiwaan gelinaayo la weydiiyo macluumaad isaga iyo qoyskiisa khuseeya.

Waa in raadka faraha laga reebo lana geliyo raadkaas computer-ka u gaar ah raadadka faraha ee wata application raadadka faraha, si loo dabagelo qofka raadkiisa dhowr goobood laga helona la ciqaabo shaqadaa waan awoodnaa inagoon cidkale la kaashan, Alle talasaarashadii mooyaan.

Waxa la sheegayaa in doorashooyinkani ay yihiin furaha Ictiraafka, doorashooyinku indhe maaha, Ictiraafka waxa raajiyay waa laga shaqayn waayay, xeer caalamiya oo ina hortaagan ma jiro mid ina saacida mooyaane.

Dawladaha Afrikaanka ayaa sawir dimuqraadiya oo faalso ah tusa dawaa’ilka deeqda bixiya si ay ugu maalaan.

 

Waa doorashooyinkii u horeeyay ee axsaabta badan ee Somaliland mustaqbalka inaga xaq isugu leh inaynu xalaasha is tusno oon ku wada dhaqano.

Dhanka kale wadankeenu uu weynyahay, isgaadhsiintuna waa qabyo, waa in kharash dawli ah oo saami siman loogu qeybiyay ururada lagu hawlgalaa.

Maalqabeenada iyo shaqaalaha dawladdu waa in ay xor u ahaadaan inay ururka ay doonaan ay taageeraan, waa in arrintaas cida ku haboon saxaafada ka sheegto si aan loo habran.

Waa in ururka UDUB ku ekaado saamiga kharash ahaan ku soo hagaagay kuna kalsoonaado deeqda taageerayaashooda uusan isticmaalin awooda dawladda.

Sidaasaan ku gaadheynaa doorasho xor iyo xalaal ah.

Mahad Caga Weyne & Cismaan Cabdilaahi

 

Faaqidaada Dunida

Xuska Maalinta Fajacisada ahayd 11Sep

Maanta oo ay bishu Sebtember tahay 11, waxa ku beegan sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay weeraradii lagu qaaday dalka Maraykanka laguna burburiyay labadii daarood ee xarunta Ganacsiga adduunka (WTO) oo ku yaalllay magaalada new york. Waxa kale oo isla maalintaa weeraro lala beegsaday xarunta Wasaarada gaashaandhiga ee Maraykanka oo uu soo gaadhay burbur sahlani iyo aqalka cad ee looga taliyo Maraykanka oo la sheegay inuu ku jiray qorshaha bartilmaameedyada lala beegsaday weerarada balse aanay waxba gaadhin. Weeraradan waxa lagu fuliyay diyaarado ya afduubeen sida la sheegay dad mintid ah oo is-biimeeyay, laba diyaaradaha ka mid ahi waxay duqeeyeen labadii daarood ee xarunta u ahaa ururka Ganacsiga adduunka, kuwaasoo daqiiqado ka dib burburkoodu dhulka galay ayna ku dhinteen dad gaadhaya lix kun oo qof sida lagu sheegay warbixin laga soo saaray dhacdadaasi. Laba diyaaradood oo kale ayay ka dhicisowday bartilmaameedyadii loogu talo galay, oo kala ahaa xarunta Wasaarada difaaca Maraykanka oo uu gaadhay burbur sahlani iyo mid ku socotay guriga cad oo la sheegay inuu dariiqu ka lumay.

 

Dhacdadani waxay adduunweynaha ku keentay isbedel weyn. Maraykanka oo ah quwada ugu weyn Caalamka oo  weeraradan lagu qaaday waxa ay ku abuurtay cadho weyn. Madaxweyne Bush ayaa markiiba ku dhawaaqay in ay ciqaabi doonaan islamarkaana ay ka aargoosan doonaan cidii ka dambaysay weeraradan argagixisada ah. Dambiga weeraradana waxa uu Maraykanku dusha ka saaray ururka Al-Qaacida ee uu hogaamiyaha u yahay Usaama Binu Laadin, oo marka ay weeraradani dhaceen ku sugnaa dalka Afqaanistaan isaga oo magan u ahaa ururkii Daalibaan ee ka talinayay Afqaanistaan.

 

Dawladda Maraykanka ayaa digniin ku siisay Daalibaan inay dalkooda ka saaraan Usaama binu Laadin, balse Daalibaan iyo dadka reer Afqaanistaanba way ka adkaatay in ay Usaama si fudud u saaraan iyaga oo u arkayay Mujaahid kasoo qayb qaatay halgankii ay dadka reer Afqaanistaan soo galeen.

Ka dibna 7dii oktoobar 2001, ayuu Maraykanka iyo xulafadiisu bilaabeen weeraro cirka ah oo ay ku qaadeen Afqaanistaan. Taasoo markii dambe keentay in uu burburo maamulkii Daalibaab ee ka dhisnaa Kaabuul.

Waxa iyaguna firxad galay Usaama Binu Laadin iyo hogaamiyihii Daalibaan Mula Cumar iyo taageerayaashoodii. Talada Afqaanistaan waxa la wareegay maamul cusub oo uu madax ka yahay Xamiid Karasaay markii la riday Daalibaan.

 

Marka taa laga yimaado waxa kale oo ay dhacdadani adduunka ka abuurtay xiisad iyo muran xoog leh taasoo ku saabsanayd waxa ay tahay argagixisadu, gaar ahaana waxa doodani ka dhalatay markii loo arkay inuu Maraykanku ololihiisa uu ugu yeedhay la dagaalanka argagixisada  la beegsaday dalalka muslimka ah.

Sanad guuradan koowaad ee xuska dhacdadan waxa muuqata cabsi weyn oo wali ka jirta Maraykanka gudihiisa iyo in aanay ka hadhin naxdintii iyo jugtii ay gaadhsiisay dhacdadani.

Sida ay muujinayaan sawiro iyo hadalo laga sii daayay telefishanka Al-Jasiira.

Ururka Al-Qaacida ayaa xuska dhacdadan markii ugu horeysay qirtay inuu ka dambeeyay weeraradan, iyadoo la arkay rag la barayo afduubka diyaaradaha iyo fulinta weerarada biimada ah. Waxa kale oo  cajalada  ay sawiradani ku jiraan muujinaysaa in ururka Al-qaacida uu wali yahay mid  wata hawlihiisa, oo Maraykanka aanay u suurta gelin inuu ka takhaluso.

 

Dhinaca kale maraykanka waxa ka jirta feejignaan weyn oo lagaga digtoon yahay weeraro kale oo loo geysto.

Si kastaba ha ahaatee dhacdadani waxay keentay su’aal la iska weydiinayo sida ay suurta galka u noqotay in  Maraykanka gudihiisa laga fuliyo, weeraro noocan ah oo keenay khasaare weyn oo mood iyo noolba leh.

 

Guddiga Doorashooyinka iyo Ururrada Mucaaridka ah oo Dood kulul foodda is-daray

 

 

 

Hargeysa (Haatuf): Ururada Siyaasadda ee mucaaridka ah iyo guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa shalay isugu yimid kulan ay kaga doodayeen sida ay suurta gal u tahay doorasho xalaa ah oo dalka ka dhaca kaasoo uu soo qaban qaabiyay, goob joogna ka ahaa Akamadamiyada nabadda iyo horumarinta Somaliland. Kulankaas oo saxaafadda loo diiday ayaa dad goob joogg ahi waxay sheegeen in si adag loogaga dooday doorashooyinka iyo duruufaha horyaalla.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa la sheegay inuu halkaa kaa akhriyay warbixin dheer oo ka hadlaysa waxyaabaha guddiga u qabsoomay. Waxyaabaha guddiga u qabsoomay waxyaabaha u qorshaysan, iyo ballan qaadyo ay sugayaan, taas oo ka dibna ururadu ay su’aalo door ah ka weydiiyeen.

Waxa la sheegay in halkaas ay ka aloosantay dood dheer oo ku qotonta su’aasha ah “doorashooyinku ma qabsoomayaan, wakhtigii loogu tala galay, iyo inkale.

 

Waxaana markii doodaasi dheeraatay loo balamay in la sii wado maalinta khamiista ah ee berrito, iyada oo islamarkaana ururaddu ay dalbadeen in kulamada dambe ee arrintan lagaga doodayo ay noqdaan kuwo saxaafadda u furan si dadka loola socodsiiyo xaqiiqda.

Kulankani waxa uu ka dambeeyey wada tashi beryahanba u socdey ururada mucaaridka ah, oo ay iskula eegayeen sida ay suurta gal u tahay doorashadu, kaas oo ay ugu dambayntii ka soo saareen bayaan ay guddiga doorashooyinka ugu bandhigeen duruufaha iyo qabyo door ah oo hortaalla hannaanka doorashooyinka, islamarkaana ururadu waxay dalbadeen inay la kulmaan guddiga doorashooyinka si ay uga jawaabaan caqabadahaas.

 

Qodobada qabyada ah iyo caqabadaha hor yaal doorashooyinka ee ay ururadu tilmaameen waxa ka mid ah xukuumada oo aan oofin qodob dhinaca maamulka ah oo guddiga doorashooyinku ay hore u soo jeediyeen in la dhamaystiro, guddiga doorashooyinka oo laftiisu aan furin xafiisyadiisii gobolada iyo degmooyinka, sida uu dhigayo qodobka 1aad ee xeerka doorashooyinka loona qabtay inay furaan 12-ka sebtember, sidoo kalena aanay u sheegin ururada siyaasada tirada goobaha codbixinta iyo meesha laga dhigayo gobol kasta iyo degmo kasta oo dalka ka mida, taasi oo sharcigu u mudeeyay in ururada lagu wargeliyo 17ka sebtember iyo inaan weli la tababarin hawl wadeenadii goobaha doorashooyinka iyo ciidamadii sugi lahaa amaanka codbixinta xafiisyadoodiina aan la furin.

 

Waxa kale oo ay ururadu bayaankooda aad ugaga hadleen isku milanka ururka UDUB iyo dawladda iyo isticmaalka uu ururkaasi u isticmaalayo ololihiisa doorashada hantida ummadda iyo awooda Qaranka.

“wasiiradii dawladda, iyo gudoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinku waxay ku mashquulsan yihiin hawlihii UDUB iyagoo safaro UDUBaysan ku maraya degmooyinka iyo tuulooyinka dalka” ayey ururadu ku qoreen bayaankooda, iyagoo hoga tusaalaynaya guddiga sida uu ururka UDUB ugu takri falayo hantida Qaranka ka dhaxaysa waxay intaasi ku dareen in saraakiishaasi ay isticmaalayaan gaadiidkii iyo shidaalkii dawladda iyo kharashkii oo ay kala bexeen khasnadda dawladda. Taasna waxay sheegeen inay xadgudub ku tahay qodobka shanaad xubintiisa afraad ee xeerka axsaabta.

Waxaa kale oo ay ku dhaliileen guddiga doorashooyinka inay ka gaabsadeen indhahana ka qarsadeen is xambaarsanaanta UDUB iyo Xukuumadda. Inta uu xaalku sidaa yahayna aanay rajo ka qabin in doorasho xalaal ah oo si dimuqraadi ah ku dhacda la helo.

“ururada Siyaasadeed ee kor ku xusani waxay ku adkaynayaan guddiga doorashooyinka inay iyaga uga fadhiyaan is waafajinta sharciga iyo wakhtiga ay doorashooyinku dhacayaan” ayay ku soo gabagabeeyeen ururadu bayaankooda.

 

UDUB iyo Ololahiisa Doorashooyinkaa ee Gobolka Awdal

 

 

Boorama(Haatuf): Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Somaliland Mr. Qaasim Sh. Yuusuf oo hogaaminaya wefti ka tirsan xukuumada oo beryahanba booqasho ku jooga magaalo Madaxda gobolka Awdal ayaa shalay shir ku qabtay xarunta ururka UDUB ee Boorama isaga oo waramay ujeedada socdaalkooda oo uu ku tilmaamay inay tahay u diyaar garawga tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka dhacdo bisha oktoobar ee soo socota. Sida  uu ku soo waramay weriyahayaga Boorama Maxamed Cumar.

Mr. qaasim oo xubin sare ka ah ururka dawladda ee UDUB, waxa uu shirkaasi oo ay ka qayb galeen Madaxda iyo taageerayaasha ururka UDUB ka sheegay in badi dadweynaha gobolka Awdal ay taageersan yihiin in la qabto doorashooyinka soo socda, inta soo hadhayna ay yihiin dad aan wali fahmin ujeedada laga leeyahay.

Mr. Qaasim oo faah-faahin ka bixinaya ujeedooyinka doorashada laga leeyahay waxa uu sheegay in uu ugu horeeyo aqoonsi caalami ah oo dalku helo, helista tiro koob lagu jaangooyo hore-umarinta dalka ama gobolada iyo degmooyinka iyo hirgelinta ismaamulka gobolada iyo degmooyinka oo aan cid looga soo magacaabin caasimada.

Waxaanu dadkii shirkaa fadhiyay ka codsaday inay fahamsiiyaan ujeedooyinka doorashada dadka aan wali fahmin.

Ugu dambayntiina Mr. Qaasim waxa uu sheegay in ururada siyaasada looga baahan yahay inay barnaamijkooda u soo bandhigaan dadweynaha inta ay goori goor tahay ee aan la gaadhin wakhtiga doorashada.

 

“waxaanu Ku Taageeraynaa Ururka ASAD”

 

Hargeysa(Haatuf): Urur ay leeyihiin dhalinyaro ganacsatada yar yar ee dalka mid ka mid ah ayaa shalay Haatuf soo gaadhsiiyay dhambaal ay ku taageerayaan ururka ASAD.

Ururkaas oo la baxay ururka horumarinta iyo saaxiibtinimada Somaliland(Somaliland Organization of Friends and Development), waxa dhambaalkaas na soo gaadhsiiyay Gudoomiyaha ururkaasi waxana uu u qornaa sidan:-

“anagoo ah ururka magaciisu kor ku xusan yahay, waxaanu nahay urur samafal wadaniya.

Waxaanu Isbahaysiga ASAD hogaankiisa iyo xubnihiisa ku hambalyaynaa sidii sharafta iyo nabadgelyada ahayd, eed u dhisanteen hogaankii iyo Golaha dhexe iyo xeerarkii isbahaysiga, sidaa darteed markii aanu aragnay,

1)       Mabaadiida guud ee isbahaysiga ASAD iyo xeerarkiisa nuqul ka midana aanu si fiican uga boganay

2)       Markii aanu ka dhagaysanay warbixintii uu noo keenay gudoomiyahayagu ka dib markuu qabsoomay shirweynihii koowaad ee isbahaysiga ASAD isagoo gudoomiyahayagu ka qayb galay.

3)       Markaanu aragnay marxalada adag iyo khalkhalka dhaqaale, waxbarasho, caafimaad, Siyaasadeed, IWM, ee xukuumadan UDUB wado, waxaanu go’aansanay.

Inaanu si dhab ah arrin iyo adduun ugu taageero isbahaysiga ASAD, anagoo ku qanacsan inuu yahay ururka keliya ee hanan kara cadaalad iyo dimuqraadiyad, sinaan, iyo midnimada Somaliland isla markaana gaadhsiin kara maamul dhammaan gobolada & iyo degmooyinka dalka.

Haddaba waxaanu markale idiin balan qaadaynaa inaanu si wadanimo leh idiinla shaqayn doono.

Gudoomiyaha ururka Axmed Sh. Xuseen,

Xoghayaha ururka Muuse Xuseen.