Haatuf, Cadadki 158, Sep. 2002

Weftiga Salaadiinta Iyo Siyaasiyiinta Somaliland Maxay Kala Kulmeen Reer Sool

 

Warbixin – Libaan Maaweel Shire (Weriyaha Haatuf)

 

 

Laas-caanood (Haatuf):- Madax-dhaqameedyo badan oo reer Sool ah oo aan muddo dheer isu iman ama aan isu wareegin ayaa markii u horraysay miis iyo madal soo wada-fadhiistay, isla markaana arrin iyo sheeko wadaagay, kuwaasi oo hadda kahor intooda badani isu soo fadhiyay majaalis gaar-gaar ah oo mid waliba ardaagiisa uu uga arrimiyo. Waxa iyana isu yimi Cuqaal reer Sool ah oo aan kulan hore isugu iman.

Muuqaalkani waa sawirka ugu dhow ee laga bixin karo wax-tarka weftiga culus ee salaadiinta iyo siyaasiyiinta Somaliland ah ee beryahanba ku sugnaa magaalada Laas-caanood. Weftigan oo halkaa gaadhay Axaddii toddobaadkan, waxa kulamo iyo dedaal xidhiidh ah oo ay la galeen Isimada iyo wax-garadka gobolka ka dhashay isu-dhowaansho iyo turxaan-saar haatan gebo-gebo ku dhow, oo ay ka sameeyeen utumo dhex-yeelay beelaha degaankaas.

 

Sida uu Haatuf u sheegay Md. C/qaadir Cali Xasan (Indho), oo la socda weftiga, waxa ergadu ku guulaystay in wada-hadal lagu dhammeeyo dilkii Caaqil Daahir Faarax Jaamac oo toogasho lagu dilay maalin kahor markii weftigu gaadhay Laas-caanood, iyaga oo labada beeloodba u tegay dorraad, lana ajiibay. Maanta oo Jimce ahna waxa loo ballansan yahay in xabbad-joojin ay ku dhawaaqaan labada beelood ee reer Cilmi iyo Fiqi-shinni oo colaadi ku dhexmartay degaanka Adhi-caddeeye, taas oo dhowaantan ay dhawr nin ku kala dhimatay labada dhinac.

 

Guddi labada beelood ka kooban, ayaa loo saaray inay dhammeeyaan arrinta, iyada oo guddigaas iyo qaar weftiga ka mid ahna la filayo maanta inay tagaan Adhi-caddeeye, si loo sameeyo xabbad-joojin.

Ilaa iyo hadda dadweynaha reer Laas-caanood ma oga ujeedada iyo arrinta ay weftigu u socdaan. Hase yeeshee, waxay dadweynuhu guud, ahaan ku qanceen jewiga uu weftigu bulshada gobolka ka dhex-abuuray. Waxaana lagu wadaa weftigu inuu sabtida iyo wixii ka dambeeya gudagalo arrimihii uu u socday oo ay ugu weyn tahay sidii loo turxaan bixin lahaa reer Sool iyo dawladda Somaliland, gobolkaasna Maamulka loo gaadhsiin lahaa.

 

“Haddaanu nahay reer Sool u mahad-niqi mayno weftiga ee waanu u ducaynaynaa,” sidaa waxa yidhi Md. Cabdul-qaadir Indho oo ka tirsan Golaha Guurtida oo la hadlay Haatuf.

“Waayo, waxay gudanayaan (Weftigu) abaal hore oo loo galay,” ayuu ku daray. Isaga oo tix-raacaya doorkii madax-dhaqameedyada reer Sool ka qaateen dedaalkii nabadaynta beelaha Somaliland waqtigii dagaalada sokeeye ka dhaceen Berbera.

 

“Arrintan ay weftigu wadaan waa mid caqli-gal ah oo u cuntamaysa reer Sool, rajo wanaagsana waan ka qabaa in guuli ka soo baxayso,” sidaa waxa tidhi Hooyo Shukri Maxamed Cali oo deggen Laas-caanood.

“Reer Sool-na waxaan kula talin lahaa inay gartaan ciddii dantooda wadda, nabadgelyadana ay adkaystaan.”

Dadweynuhu, guud ahaan wuu soo dhoweeyay weftiga, madax-dhaqamedyaduna way la shaqeeyeen.

Marka la eego cabsigelintii jirtay, ma dhicin wax caqabad ama qashqashaad ah oo weftiga ka hortimi.

Nin caaqil ahaa oo toogasho lagu dilay maalintii weftigu tegi lahaa halkaas, ayaa loo nisbeeyay dilkiisa mid siyaasadeed oo weftiga lagu horjoogsanayay. Nin dhallinyaro ah oo hubaysan ayaa isaguna galabnimadii dorraad rasaas ku riday weftiga, iyaga oo markaa ka soo baxay shir ay la yeesheen mid ka mid ah labadii Ardaa ee dilku kala gaadhay. Hase yeeshee, labada goorba waxa isku dayadaas ka awood batay rabitaanka dadweynaha, iyada oo ay dad xog-ogaal ahi sheegeen in ninkii rasaasta riday oo madaxa wax uga dhinaayeen markiiba la xidhay, qorigiina xaal loo bixiyay.

 

Dhinaca kale, waxa aan jirin siyaasad fir-fircoon oo ka soo horjeeda weftiga, waxaana ay ku beegmeen waqti Col. Cabdillaahi Yuusuf-ka Puntland uu caafimaad ugu baxay dalka Maraykanka, ku xigeenkiisa oo reer Sool ahna waxa muuqata kalsooni sidaas ah inaanu ku haysan beeshiisa.

 

Dhinaca Isimadana, Garaad Salebaan Garaad Maxamed oo ah Garaadka ugu xag-jirsan marka la soo qaado Somaliland, loona tiriyo inuu aad ugu xidhan Yahay Col. C/laahi Yuusuf, ayaa Salaadiintu la kulmeen, haatana la shaqaynaya. Laba-daraale, Garaad Saleebaan, waxa saaran culays kaga yimi beeshiisa, iyada oo magaalada Laas-caanood gudaheeda laga dareemayo mucaaradad Garaadka ku dhalliilsan mawqifkiisa Somaliland. Dadka ku kacsani waxay garaadka ku eedeeyaan inuu Maamulka Somaliland ku leeyahay ilaa 4 xubnood oo muhiim ah oo qoyskiisa ka tirsan, beeshana uu ka hortaagan Yahay inay ka qaybgasho Maamulka Somaliland, sidoo kale Puntland-na uu ka saami qaatay.

 

Si kastaba ha ahaetee, dedaalka turxaan-bixinta ah ee uu weftigu ka sameeyay bulshada Sool dhexdeeda, waxa uu gogol-xaadh fiican u yahay xaajada asalka ah ee ay u yimaadeen gobolka oo la filayo in haddii si mutuxan loola gola-tago inaan loo dhegaysteen sida hadda la qiyaasayo in loo dhegaysto.

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Maxaa Looga Hindhisay

 

 

Guddiga doorashooyinka ayaa Arbacadii doraad ku dhawaaqay inay dib u riixeen mudada qabsoomidda doorashooyinka dawladaha hoose, waxayna sheegeen inay dhacayso 15-ka bisha Diisembar ee dabayaaqada sannadkan, halkii ay mudadii hore ee ay u qabteen qabsoomidda doorashada dawladaha hoose ahayd 27-ka bisha Oktoobar ee foodda inagu soo haysa.

Guddiga doorashooyinku waxay sababta dib u riixidda doorashada dawladaha hoose ku tilmaameen guddiga diiwaan-gelinta ururada siyaasadda oo aan waqtigii loogu talo galay soo gud-bin liistooyinka iyo astaamaha ururada ku guulaystay tartanka ka qayb galka doorashada dawladaha hoose, taas oo u muuqatay inay guddiga doorashooyinku eedda ama dhaliisha dib-dhaca dusha ka saareen guddiga diiwaan-gelinta ururada, laakiin waxay iswaydiintu tahay marka hore arinta intaasi ma ku filan, mar labaadka guddiga diiwaan-gelinta ururadu ma leeyihiin dhaliisha weyn ee lagu xidhiidhiyey ?.

 

23-kii Feberwari 2001 ayey mudadu kaga ekeyd xukuumadda talada haysa marka laga soo bilaabo shir-beeleedkii Hargeysa ee la soo gebagebeeyey 23-kii feberweri, 1997-kii, waqtigaas oo muddo 5 sannadood ah hogaaminta dalka loo doortay madaxweynihii alla ha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday, Marxuum: Maxamed X. Ibraahin Cigaal iyo kuxigeenkiisii oo hadda ah madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin.

 

Shir-beeleedkii Hargeysa oo ahaa kii saddexaad ee ay yeeshaan beelaha Reer-Somaliland, laguna soo dhiso dawlad dalka maamuusha, waxyaalihii ugu waaweynaa ee lagu ballamay waxa ka mid ahaa inay dawladda la doortay dalka gaadhsiiso doorashooyin ku dhisan hanaanka xisbiyada badan oo aan mar dambe isugu soo noqon shir-beeleed dambe, iyadoo ay dawladaa talada loo igmaday muddo shan sannadood ah, taas oo ay dadka intooda badani u arkayeen inay dawladaasi haysato waqti ay wax kasta kaga boggan karto.

Dhawr bilood oo qudhi markii ay ka hadhsanayd mudadii shanta sannadood ahayd ayey dawladdu ku dhawaaqday inay al-baabka u furtay hanaanka xisbiyada badan, sidaa darteed ay Cidii rabtaa furan karto ururo siyaasadeed, wax ak dibna kooxo kala duwan oo siyaasadeed ayaa gucle bilaabay, kuwaas oo furtay ururo siyaasadeed si ay uga qayb galaan tartanka doorashada madaxtinimada ee ay dawladdu iclaamisay. Sidoo kalena dawladdu waxay ku boorikaastay inay doorashooyinku dhacayaan sidaa darteed ay ururada siyaasaddu u diyaar garoobaan, iyadoo doorashooyinka kala duwan ee dawladaha hoose, baarlamaanka iyo madaxtooyada mid-ba ammin loo cayimay, taas oo ay waqtiyada loo cayimayna ahaayeen horaantii iyo badhtamihii sannadkii 2001.

 

Inkasta oo uu ururka ASAD oo ka mid ahaa 8 urur-siyaasadeed oo xiligaa abuurmay qaadacay is-diiwaan-gelinta iyo inay ka qayb galo tartanka lagu dhawaaqay, hadana  ilaa toddoba urur-siyaasadeed ayaa xiligaa isu diiwaan-geliyey inay tartanka ka qayb galaan, isla markaana waxay maamulayaasha dawladdu geed iyo gel-gelin-ba isla taageen inay doorashadu dhacayso, isla markaana aanu jirin xal kale oo lagu kala baxayaa. Hase yeeshee markii ay  bil iyo wax aan dhaamini ka hadhsanaayeen mudadii shanta sannadood ahayd ayey subaxii dambe golaha guurtidu qallinka ku duugeen muddo kordhin hal sanno ah.

 

Muddo kordhintaasi waxay soo if-baxday, iyadoo ururada iyo kooxaha siyaasaddu si ba’an ugu eeedaynayaan xukuumadda inay ka gaabisay diyaarinta saaxaddii ay doorashadu ku qabsoomi lahayd, taas oo qabyooyin tiro badan oo xiligaa muuqday mucaaradku dhaliisheeda u tirinayeen xukuumadda, laakiin odayaasha Guurtidu eedda ama dhaliisha dib-dhaca way ka fogeeyeen xukuumadda, waxayna dusha ka saareen golaha wakiilada oo ay ku eedeeyeen inay ku guul-daraysteen diyaarinta shuruucdii doorashada, iyadoo dhinaca kalena ay mucaaradku mar hore iyo mar dambeba odayaasha Guurtida ku eedeeyaan inay yihiin nimad jeebka ugu jira xafiiska madaxtooyad iyo inay mar walba qareen lagama gar helaan ah u yihiin madaxweynaha iyo xukuumadiisa. Hase yeeshee muddo kordhinta ka dib arinta xiisaha leh ee si weyn golayaasha siyaasadda loogaga haasaaway waxay ahayd markii ay madaxda dawladdu ku cel-celiyeen “Anagu diyaar baanu ahayne ururada ayaan diyaar ahayn oo codsaday in dib loogu dhigo”.

 

Inkasta oo ay shan urur-siyaasadeed soo jeediyeen in muddo lix bilood ah doorashada dib loo riixo, haddana muddo ka dib waxay ururadaa laftoodu ku cel-celiyeen inay dawladdu si qaldan uga faa’iidaysatay, uguna sayaxday hindisihii ay soo jeediyeen. Laakiin hadii aynuba dawladda u raacno sidii ay ku andacootay kal hore, waxay markaa iswaydiintu noqonaysaa, hadii aanay xiligaa waxba dhulka inaga oollin maxaa sannad ka dib dhulka wax inaga dhigay?.

 

Dawladda iyo odayaasha guurtidu cidda doonaan eedda ha saareen ama waxay doonaan cudur-daar ha ka dhigteen, laakiin waxay xaqiiqdu ahayd inaanay xiligaa dawlad iyo cid kale toona diyaar ahayn, isla markaana si fiican loo arkayey duruufo kash-kaashkaa ka badan oo waxba kama jiraan ka dhigayey doorasho dalka ka dhacda, taas oo ay xukuumadda lafteeduna si fiican u arkaysay xaqiiqda,  laakiin ahayd baxsi is-yeelyeelaya ayey illaahay uga dhawaajiyey ururo siyaasadeed, kuwaas oo ku tiraabay wax ay xukuumaddu aad u jeclayd cid ka furata.

Inkasta oo shantii urur ee soo jeediyey in mudada doorashada lix bilood dib loo riixo ay dadka qaarkood ku xanteen dawladdu weedhaa u soo laqintay, haddana arintu sida ay doonto ha ahaatee waxay dawladdu hadalka ururadaa ka soo yeedhay kaga jawaabtay “Ninkii sheega ma dhaafto”. Sidoo kalena eedihii iyo dhaliilihii qabyada doorashada ee loo haystey waxay isaga riixday dhinaca wakiilada, taasina waxay keentay inay xukuumaddu far-yaro bidix ka baxdo.

 

Hase yeeshee marka laga yimaado wixii kal hore waxay mar kale xaaladdu muujisay suurad la mid ah tii kal hore, taas oo ay mudadii sannadkii ahayd ee la kordhiyey hadda gabaabsi ku dhowdahay, iyadoo aan wax horumar ah laga samayn halkii ay xiligaa xaaladdu taagnayd.

Sidii caadada u ahayd dawladdu waxay bilihii ina dhaafay ilaa hadda si ka sii qaylo kulul sidii kal hore ku boorikaysaa doorashadu  way dhacaysaa, wax walibana waa diyaar oo ma jiraan wax dhulka naga yaal, qayladaa kululina waxay keentay inay ururada siyaasaddu gucle iyo galab carow naftu kaga baxdo si ay isugu diyaariyaan ka qayb galka tartanka doorashada, isla markaana, iyadoo ay u muuqato duruufta adag ee meesha taal ayey haddana iska ilaalinayaa ninkii sheega ma dhaafto.

 

Waxa kale oo ay hogaamiyayaasha siyaasadda iyo dadka arimaha siyaasadda odorosaa u dhegtaagaan ama iswaydiiyaan tolow maantana hadii ay arintu sida ay dad badani u arkaan halkeedii iska tagto dawladdu si ay mar kale faryaro bidix uga baxdo ma haysataa Cidii ay kaga xuubsiiban lahayd eedaha iyo dhaliilaha looga tirinayo qabyada doorashada, sidoo kalena ma helaysaa cid Illaahay uga dhawaajiyo sidii kal hore.

Sidaa awgeed go’aanka guddiga doorashadu dib ugu riixeen ammintii ay markii hore u cayimeen doorashada dawladaha hoose waxa dad arimaha siyaasadda faaqida u muuqday humaag u midab eg kii kal hore, dadkaasina waxay daliishanayaan dhaliisha keliyood lagu moosay guddiga doorashada, taas oo ay leeyihiin eedda ay guddiga doorashooyinku u bal-fiyeen dhinaca guddiga diiwaan-gelinta waxay u midab egtahay farshankii kal hore ee Guurtida iyo wakiilada.

 

Waxa la yidhi islaan odaygeeda xamanaysa ayuu ilmo yar oo agteeda fadhiyey hindhisay markaasay tidhi: “Maxaa looga hindhisay”, iyadoo taa ula jeeda inuu ilmaha yar ee hindhisay ka marag kacay inuu hadalkeedu run yahay, iminka dad badan oo dawladda ku xamanayay inay doon-doonayso qiil ay far-yaro bidix kaga baxdo ayaa markii ay maqleen go’aanka dib-u-riixidda doorashada iyo eeda loo dalliishaday, sidii Islaantaa yidhi maxaa looga hindhisay.

 

Guddiga Doorashooyinka

Oo Dib U Riixay Wakhtiga Doorashada Dawladaha Hoose

Harg (Haatuf):- Guddiga qaranka ee doorashooyinka ayaa dib u riixay waqtigii loo muddeeyay inay dalka ka dhacaan doorashooyinka golayaasha degaanka, oo horey loogu cayimay October 27, 2002, iyada oo ay socoto dood adag oo u dhaxaysa guddiga iyo ururada mucaaradka ah oo ku saabsan suurtogalnimada doorashooyin xalaal ah oo dalka ka dhaca.

 

Go’aan ay guddidu soo saareen Arbacadii September 11, 02, waxa ay ku sheegeen in doorashooyinka degaanku ay dhici doonaan bisha December 15-keeda, waxayna sababata koowaad ee keentay dib-u-dhigistaasi ay tahay guddiga diiwaan-gelinta ururada siyaasiga ah oo aan muddadii loogu talogalay ku soo gudbin liistooyinka iyo astaamaha ururada ku guulaystay ka-qaybgalka tartanka doorashada u horraysa ee degaanada.

 

Waxa kale oo go’aanku sheegay in la tixgeliyay dareen ay bulsha-weynta iyo hay’adaha caalamiga ahi ka bixiyeen is-waafajinta jadwalka doorashooyinka iyo shuruucda u degsan, isla markaana la suurogeliyo waqti hawsha doorashada lagaga bogan karo.

Sidaas darteed, guddigu waxa ay go’aankooda ku sheegeen in muddo-kordhintaas looga gol-leeyahay in dhammaan xukuumadda, ururada siyaasiga ah iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee doorashada u xil-saarani ay fursad u helaan ka bogashada iyo dhammaystirka hawlaha ka qabyada ah doorashooyinka, iyo sidoo kale in hay’adaha caalamiga ah iyo jaaliyadaha Somaliland ee dibedda ee danaynaya in ay taakulayn u fidiyaan arrimaha doorashooyinku ay helaan waqti.

 

Ururada mucaaradka ah ee isu diyaariyay tartanka Axsaabta oo dhowaan yeeshay wada-tashi ay ku gorfaynayeen suurtogal-nimada doorashooyinka ayaa laba maalmood kahor soo saaray bayaan ay isla qaateen siddeeda urur oo ay guddiga doorashooyinka ugu bandhigeen caqabadaha horyaala iyo qabyo badan oo uga muuqatay doorashooyinka, waxayna guddiga ka codsadeen inay daboolaan gol-daloolooyinkaas.

Go’aanka guddigu ma xusin tabashada ururada mucaaradka ah, wax jawaab ahna kama bixin. Isla markaana ururada ayaan u arkin muddo-kordhintani inay jawaab u tahay bayaankoodii.

Dhinaca kale, guddiga diiwaangelinta ururada oo aan shalay la xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inay ka jawaabaan inay dhinacooda ka timi dib-u-dhigista waqtiga doorashada degaanka.

Xubnaha guddiga diiwaan-gelinta oo aan ugu tagnay xafiiskooda, iyaga oo wada-fadhiya waxa ay sheegeen in ay marka hore la kulmayaan guddiga doorashooyinka, si ay uga wada-hadlaan arrinta.

“Haddii ay iyagu (guddiga doorashooyinku) deg-degaan, annagu deg-degi mayno,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah xubnaha guddiga.

 

Madaxweyne Ku-Xigeenka

Oo Booqasho Ku Tegay Berbera

Berbera (Haatuf):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay booqasho afar cisho ah ku tegay magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay safarkiisan ku weheliyaan xubno ka tirsan xukuumadda oo uu ka mid Yahay wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamed Cabdi Malow, xil-dhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Taliyaha ciidanka booliska, waxay magaalada Berbera gaadheen abaaro 5-tii galabnimo, iyada oo ay si diiran u soo dhaweeyeen dadweynaha reer Berbera.

 

Sida uu ku soo warramay weriyahayaga Berbera, C/raxmaan X. Daahir, Madaxweyne ku xigeenku makii uu gaadhay Berbera waxa uu toos u tegay qabrigii lagu aasay madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed I. Cigaal, isaga oo akhriyay qur’aan iyo duco.

Socdaalkan Madaxweyne ku xigeenku, waxa la sheegay inuu la mid Yahay kii uu hore ugu tegay Gebilay iyo Kala-baydh, muddada uu ku sugan yahayna waxa lagu wadaa inuu u kuur-galo sida ay hawluhu uga socdaan halkaas, iyo inuu kulamo kala duwan la yeesho mas’uuliyiinta iyo dadweynaha Berbera.

 

Madaxweyne ku xigeenku, intii uu ku sii jiray jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera, waxa uu ku sii hakaday Dacar-budhuq iyo Abdaal oo uu kula kulmay dadweynaha deggan. Waxa kale oo uu sii maray degmada Mandheera oo qado marti-qaad ah loogu sameeyay, Waxaanu dugsiga tabobarka ee Mandheera kula kulmay 158 askari oo halkaasi tabobar ugu dhammaaday, sida la filayo Madaxweyne ku xigeenku socdaalkiisan kadib, waxa uu socdaalo ku tegi doonaa degmooyin kale oo dalka ka tirsan, gaar ahaan gobollada Bari.

 

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland

Oo Ku Dhawaaqay Maalinta La Qabanayo Ciyaaraha Gobollada

Harg (Haatuf):- Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Md. Maxamed Faarax Jaah-weyn, ayaa ku dhawaaqay waqtiga kama-dambaysta ah ee loo qabtay inay furmaan tartanka ciyaaraha gobollada dalka, waxaana ay noqonaysaa Khamiista soo socota ee 19 August, 2002.

Md. Jaah-weyn wuxuu warkaa daboolka ka qaaday habeenimadii xalay oo uu ka qaybgalay xaflad abaal-marino lagu guddoonsiiyay kooxo iyo ciyaartoy ka qaybqaatay tartamo kala duwan oo dhawaan lagu soo gebo-gebeeyay magaalada Hargeysa.

 

Xafladda abaal-marinta ciyaartoyga oo ka dhacday xarunta shaqaalaha dawladda ee Hargeysa, ayna soo qabanqaabiyeen dhalinyarada ururka SYSTO, oo ku deeqay jaa’isadaha kala duwan ee xafladda lagu bixiyay. Waxaa kale oo ka soo qaybgalay siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahano iyo dadweyne kale, waxaana halkaa ka hadlay wasiirka Ciyaaraha Md. Jaah-weyn oo ka war-bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee wasaaraddu soo martay muddadii ay jirtay iyo dedaalka ay ugu jiraan ka midho-dhalinta ujeedadii loo abuuray wasaaradda ciyaaraha.

 

Wasiirku wuxuu sheegay dedaalka loo galay sidii ay u qabsoomi lahaayeen ciyaaraha gobollada oo buu yidhi muhiimad weyn u leh dalka, isaga oo intaa ku daray inay muddo ku rafatay, balse hadda laga jibbo keenay. Isaga wasiirku ka hadlayana wuxuu yidhi; “Waxaanu go’aaminay maalinta la qabanaayo ciyaaraha gobolladu inay noqoto 19 August, 2002, ciddii taageero ka geysanaysana ha u diyaar-garowdo inta waqtiga ka horraysa.”

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE, Muj. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo xafladdaa ka qaybgalay ayaa ka hadlay doorka ciyaaruhu ka qaataan horumarka waddanka, iyo sida ay lama huraan u tahay in gacan-buuxda laga geysto kor u qaadidooda. Axmed Siilaanyo, waxa uu ka hadlay dareenka xusuusta leh ee xafladdani ku beertay, wuxuuna tilmaamo ka bixioyay xusuusta qiirada lahayd ee dhallinyaro-nimadiisii, wuxuuna yidhi; “Markaan arko dhallinyaro sidan oo kale isu soo abaabushay meel baa I damqata. Waxaanay I xasuusisaa waayadii dhallinyaronimadayda.”

 

Guddoomiyaha KULMIYE, wuxuu dhallinyarada ku dhiirigeliyay inay kaalintooda ka qaataan tallaabo kasta oo horumar lagu gaadhsiinayo Somaliland, isaga oo ku baraarujiyay inay dedaalkooda laban-laabaan, si buu yidhi aad ujeeddooyinkiina uga midho-dhalisaan.

Md. Siilaanyo oo khibraddiisa uga faa’iidaysanaya arrimaha doorashooyinka, ayaa sheegay in ay xisbiyada siyaasadda ka waayeen tartan xalaal ah oo la mid ah ka ay kooxahaasi yeesheen. “Tartankaasi waa kaanu ka la’nahay Axsaabta, Waxaanu idinkula mid nahay garsoorka. Waxaanu leenahay hala helo garsoor caadil ah oo dhex-dhexaad ah,” ayuu yidhi Siilaanyo.

 

Md. Siilaanyo, wuxuu ka digay khatarta ka dhalan karta garsoor aan caddaalad ku fadhiyin oo lagu xaq-sooro doorashooyinka. “Bal ka warrama hadii ay nala ciyaarto koox wadata siidhi-walaheedii oo ay isku urur yihiin, oo markaad kubadda qaadato ku yidhaahda khalad baad gashay. Marka saaxiibkii khalad galona wuxuu odhanayaa, waad saxan tahay,” ayuu ku daray Axmed Siilaanyo.

Waxa isna xafladdaa hadal kooban ka jeeidyay Guddoomiyaha ururka BIRSOL Axmed Sandoon, wuxuuna tilmaamo ka bixiayy dedaalka dhallinyaradu wado iyo baahida ka jirta ciyaaraha.

Guddoomiyaha BIRSOl, Mr. Sandoon, wuxuu dhallinyarada ku guubaabiyay inay dedaalkooda kor u qaadaan sidii Somaliland dunida uga muuqan lahayd.

“Waxaan rajaynayaa inaynu habeen ku yeelano dunida ciyaaraha oo aynu tartamada Afrika ku bilowno. Waxaan ku hanweynahay inaynu sidii Senegal wacdaro muujino oo aynu habeen dunida ku yeelano,” ayuu yidhi Sandoon.

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, C/raxmaan Faarax Sugaal oo isna xafladdaa ka hadlay ayaa ammaanay dedaalka ay muujiyeen dhallinyarada SYSTO, oo soo qaban-qaabiyay tartamada ciyaaraha kala duwan oo ay ku kulmeen ciyaartoy kala duwan.oo isugu jira; kubadda cagta, kubadda laliska iyo noocyo kale.

C/raxmaan wuxuu tilmaamay qiimaha ay nabaddu u leedahay qaranimada Somaliland, la’aanteedna aanay suurogal noqoteen tartamada ciyaareed ee ay abaabuleen dhallinyaradu. Waxa kale, oo uu Md. Sugaal ka hadlay khatarta ay ku hayaan mustaqbalka dhallinyaro badan oo halis u ah in aayahoodu lumo.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga C/raxmaan Faarax Sugaal, oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi; “Dhallinyaradii aynu ku wadnay mustaqbalka inay hoggaanka dalka noqdaan, waxay ku mashquuleen balwad uu qaadku ugu horreeyo.”

 

Intaa kadib, waxaa abaal-marino kala duwan la guddoonsiiyay kooxdii ku guulaysatay tartanka kubadda cagta, laliska. Sidoo kale, waxaa abaal-marino la siiyay kooxihii iyo ciyaartoygii ciyaar-wanaaga iyo asluubta ku guulaystay.

 

Qarax Ka Dhacay

Hudheel Ku Yaal Addis Ababa

Addis Ababa (W.Wararka) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay ilaa 40 kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii uu habeen hore qarax weyni ka dhacay Huteel ku yaala magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya. Huteelkan oo la yidhaahdo Tirgray Hotel, oo ku yaala dhinaca waqooyi ee Addis Ababa, waxa uu ku soo beegmay, waqti ay dadweynaha Itoobiya ay xusayeen bilawga sannadka cusub ee taariikhda dalkaasi, ilaa haddana ma cadda cidda ka dambaysay qaraxaasi iyo sababta keentayba.

 

Af-hayeen u hadlay dawladda Itoobiya ayaa sheegay, in marka la eego sidii uu qaraxaasi u weynaa loo malayn karayo inay keeneen waxyaabaha qarxa iyo inuu ahaa fal ula-kac loo geystay. Waxaase arrinta shaki geliyay goobtaasi oo ay yaaleen haamaha gaasta kaydiya, oo keni karaya qaraxaasi. Hase yeeshee, waxa baadhitaan arrintaasi ku saabsan gacanta ku haya ciidamada ammaanka ee Itoobiya, oo lagu soo warramay inay xayiraad ku soo rogeen goobta uu ku yaalo Huteelka uu qaraxu ka dhacay, oo gebi ahaantiiba burburay.

 

Sida ay sheegeen warar laga soo xigtay hawl-wadeenada caafimaadku, waxa suurtogal ah in ay korodho dhimashada uu qaraxaasi keenay, sababta oo ah dad badan oo ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaarxaasi ayay dhakhaatiirtu sheegeen inay xaaladdoodu halis tahay.

 

 

Maraykanka Oo Baadhaya Cajalladihii Ee Lagu Baahiyay Telefiishanka Al-Jazeera

Washington (W.Wararka) – War ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in khubaro ka socota madaxtooyada Maraykanku ay bilaabeen inay daraaseeyaan cajaladdii u dambaysay ee laga soo duubay Usaama bin Laden, iyo ururkiisa AL-qaacida, kaas oo uu sii daayay Telefishanka madax-bannaan ee Al-Jazeera.

 

Sida uu sheegay af-hayeen u hadlay golaha Amaanka ee Maraykanku, oo ay waraysatay wakaaladda wararka ee Faransiiska (AFP), isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi; “waxa aanu si weyn u baadhaynaa cajaladdan, si aanu uga jawaabno su’aalo uu na weydiiyay, markale waxa aanu leenahay ma ogin inuu Usaama bin laden nool Yahay iyo inkale. Sidoo kalena, ma ogin meesha uu ku dhuumanayo, Waxaanu intaa ku daray inay shaki ka qabaan wixii cajaladda ku duubnaa qaarkood.

 

Warbaahinta Maraykanka, gaar ahaana kuwa maqalka iyo muuqaalka ah, ayaa si weyn uga hadlay cajaladda uu sii daayay telefishanka Al-Jazeera ee ururka Al-Qaacida, uu ku xusayay sanad-guurada weeraradii ka dhacay Maraykanka 11-kii September.

 

 

Madaxweyne Daahir Rayaale Wuu Ku Guulleystay Mas’uuliyadda Madaxweyne-Nimo

Waxaa quluubta dadweynaha reer Somaliland ku furmay duufaano murugo ah, kadib markii warbaahinta caalamka ay ka maqleen geeridii madaxweynihii hore Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed I. Cigaal. Waxaa taasi babrar socotay su’aalo ay dadku isku weydiinayeen maanka geeriyaysan oo ku saabsanaa waxay mudan doonto hannaankii dawladnimo iyo nabaddii ay u waayeen wehelkoodii hayinka ahaa oo aanay garan karaynin waxa ay berri cadceedu ugu soo bixi doonto.

 

Haddaba markii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin loo dhaariyay mansabka Madaxweynenimo, waxaa gebi ahaanba ummadda ku abtirsata Somaliland adduunyada meeshay doonaan haka joogaane, caamyeeshay yididiilo, hubaal ahaana waxaa u sibiqday duco ka soo go’day quluub ilmaynaysa, oo jaho-ood ku dhacay. Dabadeed Madaxweyne Rayaale, wuxuu hoggaamin ku dhac iyo la tashi badan ku hantay mas’uliyaddii cuslayd ee ummaddiisa, hadday tahay siyaasadda gudaha iyo ta dibeddaba. Wuxuu horraantiiba meel fog uga suul-dhabaaleeyay guruubo aad u mayal adkaa hayaanka Somaliland-nimadana ku ahaa lid, aadna u soo gilgilay nabadda ay ummaddani ku cawaynayso, marka la eego wufuuda caalamka inooga timid waxay ugu badnaayeen muddada afarta bilood ahayd ee uu xilka hayay, waxaanay indho-indhaynayeen bal inta ay le’egtahay awooda hoggaamineed ee Madaxweynaha astaanta u noqday, dastuur si been abuur ah loo haystay oo ay adduunyadu ka fekeraysay qaabka aynu ugu guuri doono, waxaanay Madaxweynenimadiisu caalamka dimuqraadiyadda daneeya u leedahay ama tahay dammaanad.

Wuxuu Madaxweyne Rayaale mowqif adag iska taagay hirgelinta doorashooyinka oo ay dadku ka cabsi qabeen sida loogu dhiiran karo. Wuxuu Daahir Rayaale, dayriyay istaraatiijiyad soo dhoola-caddaynaysay oo ku saabsanayd gobolada bari.

 

Arrinta Daahir Rayaale u taalaa, waa sidii uu u hirglein lahaa qabashada doorashooyinka, waxaanay u muuqataa haddii xataa lagaga guulaysto kursiga, inuu isagu ummadda reer Somaliland hoggaaminteeda hanan karo.

Mawliid Muuse Ibraahim Kaahin, Gebilay.

 

Doorasho Ha La Qabto Wakhtigan, Ma Dacaar Kursi Jacayl Baa, Mise, Waa U Danayn Ummaddeed

Waxa dareen ahaan aad iigu soo noq-noqday, sideynu uga soo doogi doono, loolankan doorashooyin ee loo weel-qaaday, markaan eegay itaalka dalka, wacyiga dadka, qabyada jirta, xummaddan iyo kursi jacaylka ee siyaasiyiinta, ma la is-weydiiyey.

-          waxa doorashooyin inay dhacaan aynu ka rabno.

-          Suura-gal ma tahay inay, dhacaan doorashooyin turxaan la oo shuruuc iyo shuruudo wixii ay lahaayeen u dhan yihiin?

-          Miyaanayse jirin waddo kale oo inoo furan, kuna gaadho doorashooyin bisil oo dhaxal-gal noqda?

Aniga oo isku qanciyay, inay weli tallo dambeyso, ayay guddida doorashooyinku ku dhawaaqeen in la qaban doono, doorashooyinka dowladaha hoose, iyadoo guddigu shirkii saddex geeska ahaa ee ay qabteen July 2002, sheegay inaan dadku wacyi ahaan u bisleyn doorashada, gobolada Barina ay duruuf ahaan adag tahay, inay si taam ah doorasho uga wado ama dhacdo.

Arrimahaasi waxay igu dhaliyeen inaan isweydiiyo.

§          Awoodda guddidu waa ilaa heerkee? Ma madax banaan yihiin? Maamulkooda ma balaadhiyeen,?

Si daraasad dhab ah u helaan miyaanayse dummadooda saareyn wixii doorashooyinka ka murkucda? Taasi waxa ii raacay, markii shirweynihii UDUB ee 17/08/02, uu Madaxweyne Rayaale sheegay in isaga iyo ku xigeenkiisuba yihiin, musharixiinta ururka.

Arrimahaa markaan eegay waxa ii muuqday, inay jirtay mowjad soo socotay, oo aan ikhtiyaar ogoleyni inay cid walba dhufatay wax talo ahna aan la isweydiinba.

Haddaba aan ku noqdeen habkan xisbiyada badan ee nin iyo codkii (one man one vote), waa hab dawladaha ku dhaqmaa aanay si fudud ku gaadhin una soo mareen, maraaxil kala duwan.

Dawladahan lagu tilmaamo dunida saddexaadna, aanu weli si fiican uga hir-gelin, marka innaga (S/land) la eego, bisaylka dadka, itaalka dhaqaale, qabyada sharci ee jirta, maamulka aan weli wada gaadhin xuduudaha Somaliland aqoonsi la’aanta beesha Caalamka waxaynu ka dhiganahay, sidii aynu riyo ku jirno.

Haddaba haddii ay tahay ujeedada aynu ka rabno, in doorashooyinka xisbiyada badan ee nin iyo codkii ay dhacaan:-

·        Distuurka oo sidaa dhigaya

·        Beesha Caalamka oo inoogu soo joogsata

·        Inaynu habka beelnimada kaga baxno

·        Inaynu ku kala reebno ururada

Ma barbar dhigney maxaynu ku waayi karaa?

Haddaba waxa aragti ahaan leeyahay haddii la dhigo dacarta kursi jacayl laguna wada talaabsado danta guud, iyo sidii doorasho u dhici lahayd, in la hir-geliyo, inaynu heli karno wado kale oo doorasho lagu sameyn karo, oo lagaga baaqsado, habka beelnimada iyo muddo kordhin, taasina ay ku iman karto, in talo furan la sameeyo lana ururiyo afkaarta gudo iyo dibadba.

Ibraahim Nuur Garow Hargeysa

 

 

Iftiinka Islaamka

Islaamka Iyo Argagixisada

 

Tan iyo markii ay dhaceen weeraradii loo gaystay goobo ka tirsan dalka Maraykanka oo haatan laga joogo muddo sanad ah waxa xoogaystay muranka ku saabsan waxa ay tahay argagixisadu iyo cida ah argagixiso. Taasina waxa u sabab ahaa warbaahinta reer galbeedka oo islaamka ka dhigay inuu yahay argagixiso. Iyagoo soo xiganaya khudbado ay jeediyaan madax iyo siyaasiyiin reer galbeed ahi gaar ahaana dalka Maraykanka. Taana waxay daliil uga dhiganayeen weeraradii ka dhacay Maraykanka oo ay ku eedaynayeen inay ka dambeeyeen dad muslimiin ahi gaar ahaan ururka Al-qaacida ee uu hogaamiyaha u yahay Usaama Binu Laadin.

 

Inagoo aan qoraalkan uga jeedin inaynu ku baadhno cida xaqiiqo ahaan uga dambaysay weerarada, taasoo ah baab kale waxaynu ku eegaynaa Islaamka iyo Argagixisada.

Islaamku waa diintii u dambaysay ee uu Ilaahay u soo dejiyo adoomihiisa, isaga oo balan qaaday markii Aadan iyo Xaawa janada laga soo saaray inuu adoomihiisa marka ay muddo joogaanba u soo diri doono Rasuul uu ugu soo dhiibay fariin iyo Risaalad uu ku hanuuniyo. Islaamka waxa uu Ilaahay u soo dhiibay Nebi Maxamed C.S.W. oo ah Rasuulkii u dambeeyay ee uu Ilaahay soo diro, waxaana ku dhan wax kasta oo ay adoomuhu u baahan yihiin iyo wax kasta oo dhibaato ku ah si ay uga digtoonaadaan.

Islaamka marka ay culimadu macnaynayaan waxay ku tilmaamaan inuu yahay “hogaansanaan loo hogaansanaado Ilaahay iyadoo la adeecayo wixii uu ina faray lagana fogaanayo wixii uu inoo diiday iyaday ku dhan yihiin” waxa taagan ee socda wixii hore u dhacay iyo waxa dhici doona intaba.

Diinta Islaamku waa diin nabad gelyo iyadoo ku baaqaysa in lagu wada noolaado nabad, caddaalad iyo sinaan, iyadoo la wada raacayo sharciga Ilaahay.

 

Marka la macnaynayo argagixisadana waxa lagu tilmaamaa inay tahay “xoog ay kooxi ama cid gaar ahi ku fushato dan gaar ah Iyadoo adeegsanaysa nooc kasta oo ay awoodu u saamaxdo”

Waana wax soo jireen ah tan iyo intii uu bani aadamku jiray in falal argagixiso ay dhacaan cidii doonta ha fulisee.

 

Waxayse falalka argagixisadu ku kala duwanaayeen, kolba nooca hubka ah ee la adeegsan jiray. Wuxuu ka soo bilaabmay Usha iyo Budhka, wuxuuse sii khatat noqday markii la helay birta iyadoo la sameeyey noocyo kala duwan oo hub ah kana samaysan bir sida toorayda, gol-xobka, seefta iwm. Waxayse halista hubku sii korodhay ka dib markii la sameeyay rasaasta iyo hubka casriga ahoo kolba heer ahayd ilaa ay soo gaadhay wakhtigan la sameeyay hubka nukliyeerka ah oo daqiiqad qudha ku baabi’in karaya dhul ay ku noolaayeen malaayiin ruux.

 

Markase laga hadlayo Islaamka iyo argagixisada waxa la isku khaldaa jihaadka iyo argagixisada oo aad u kala duwan. Jihaadka oo ka mid ah waxyaabaha ay diinta islaamku fartay dadka muslimiinta ah waxa uu leeyahay axkaam iyo nidaam u gaar ah, waxaa kale oo uu leeyahay wakhti iyo xili la qaado. Laakiin maaha sida ay u fasiraan dadka aan islaamka fahamsanayni ama kasoo horjeedaa. Tusaale ahaan kuma banaana shareecada islaamka in si bilaa sabab ah la isaga laayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan diintay doonaan ha haystaane.

Haddii markaa ay sax tahay, sida uu Maraykanku sheegayo in ay weeraradaa ka dambeeyeen ururo ku suntan magaca Islaamka, sax miyey tahay in wixii ay sameeyaan koox dad ahi loo aaneeyo diinta Islaamka? Marka laga doodayo arrintan, waxay su’aalo ka dhashaan sababta wixii dhacaba ay reer galbeedku dusha uga saaraan dadka muslimiinta ah iyadoo falalka argagixisada ah ee Caalamka ka dhaccaa ay yihiin kuwo joogto ah dadka geystaana ay aad u kala duwan yihiin.

Tusaale ahaan dadka Islaamka ahi waxay u soo qaataan falalka ay Israa’iil ka wado dhulka Falastiiniyiinta sababta Maraykanku indhaha uga qarsado, haddii ay Falastiiniyiintu fal jawaab ah gaystaana uu ugu tilmaamo argagixiso?

 

Diinta Islaamku waxa ay ogoshahay haddii dadka muslimiinta ah la dhiibo in ay galaan Jihaad ay isku difaacayaan, halkaa waxa inooga cad faraqa u dhexeeya, Islaamka iyo argagixisada oo ah laba kala fog oo aan la isku khaldi karin gabagabadiina Islaamku waa diin xaq ah kumana wasakhoobayso cambaareyn iyo dacaayad laga fidiyo xaqiiqada dhabta ahina waxay ku xidhan tahay sida loo garto Islaamku wuxuu yahay, magaca Islaamkana ma ceebayn karaan dad yaroo ujeedooyin kale lihi.

 

 

 

 

Dood Kulul

H

argeysa (Haatuf): Ururada siyaasada ee mucaaridka ah, ururka UDUB iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa fooda isku-daray dood kulul oo gundhigeedu lla xidhiidho arrimaha doorashada, taas oo ay soo qaban qaabisay xarunta nabadda iyo Horumarinta S/land, isla markaana ay shalay u ahayd maalintii labaad ee ay doodan isku-hirdiyaan dhinacyadaasi.

 

Ajandaha doodan oo bilaabatay salaasadii, wuxuu ka kooban yahay,

Ø         Si laysugu diyaariyo doorashooyinka, Maxaa ilaa hadda qabsoomin.?

Ø         Si loo xaqiijiyo doorashooyin xaq ah oo madax banaan, Maxaa ilaa imika qabsoomay?

Ø         Waa maxay  saadka iyo waqtiga loo baahan yahay si loo guto xilkaas?

Ø         Doorashooyinku haddii ay qabsoomaan iyo haddii ay baaqdaanba, sidee ayaa loo hubin karayaa inaanay gorgortan gelin nabada qaaliga ahi?

Ø         Sidee loola xidhiidhaa beesha Caalamka, si looga helo taageero dhaqaale iyo mid farsamo?

Ajandayaashaas oo ahaa kuwa qoran oo ay Akadamiyada Nabada iyo horumarinta Somaliland soo diyaarisay ka sokow, waxaa markii dambe ka soo dhex baxay doodihii dhacay qodobo kale oo muhiim ah oo qayb ka noqday dooda. Sida, isku-milanka dawladda iyo ururkeeda UDUB, qodobkaas oo ahaa lafdhabarta doodii shalay dhacday, isla-markaana ay si ba’an isugu wajaheen ururada siyaasada ee mucaaridka ah iyo dawladda iyo ururkeeda UDUB. Inkasta oo uu jawiga cimilada doodu marna cirka isku shareerayey, marna hoos u degayay, haddana waxaa markastaba la tacaalayey shirgudoonka doodda oo ah maamulaha Akadamiyada nabada iyo horumarinta Somaliland, Dr, Bulxan. Waxaana dooddaas oo ka dhacday Hotel Maansoor, dhinacyada ka qayb galay ay kala yihiin, ururada, KULMIYE, ASAD, HORMOOD, BIRSOL, UMAD, ILAYS, UDUB, UCID, iyo SAHAN oo laba garab ah. Sidoo kale, waxaa iyana ka qayb galay Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Golaha Guurtida.

Ka hor intii aan loo guda gelin doodii shalay, waxaa hadal kooban halkaa ka jeediyay khabiir ururka midowga Yurub u soo diray inuu Somaliland kala taliyo shuruucda doorashooyinka xorta ah iyo guud ahaanba arrimaha farsamo ee doorashooyinka, khabiirka ururka midowga Yurub oo ah nin ku xeel-dheer arrimaha doorashooyinka, waxa uu madasha ka sheegay, in diiwaan gelintu fure u tahay dhicitaanka doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda.

Wuxuu carabka ku dhuftay in diiwaan-gelintu tahay ta uu ururka midowga Yurub ku qiimaynayo in doorashooyinku si xor ah, oo xalaal ah u dhaceen. Khabiirku waxa kale oo uu sheegay oo uu u caddeeyay dadkii madasha fadhiyay in diiwaan-gelintu ay tahay haw qaadan karta ugu badnaan muddo todobaad ah.

Intaa ka dib, waxaa foodda laysku geliyay ajandihii doodda, oo shalay miisaankiisu ahaa, isku milanka, dawladda iyo ururkeeda UDUB, waxaana si kulul u dhaleeceeyay taas ururada siyaasada ee mucaaridka ah, kuwaasoo doodahoodii ku muujiyay inaanay suuro-gal ahayn inay dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ahi, inta aanay kala soocnayn dawladda iyo ururkeeda UDUB “si doorasho xor ahi u dhacdo, waxaa loo baahan yahay dawlad dhex ah, maaliyad dhex ah iyo tallo dhex ah” sidaa waxa ku dooday Maxamuud Maxamed Oday oo ka tirsan ururka ASAD, sidoo kale Gudoomiyaha Golaha dhexe ee ASAD, Ibraahim C/llaahi Xuseen (dhega-weyne) ayaa isna ku dooday in gudiga doorashooyinka looga fadhiyo inay muhmalka ka saaraan arrinta oo ay caddeeyaan qabyada runta ah ee jirta “waa inay guddiga doorashooyinku ogaadaan inay leeyihiin masuuliyada ugu saraysa, oo aanay u habran dawladda iyo UDUB toona, ee ay runta u kala sheegaan axsaabta iyo xukuumadana isla markaana ay isku milanka UDUB iyo Xukuumadda ay hanti dhawr u magacaabaan si uu u baadho” sidaa waxa isna ku dooday Xasan Xaydh oo ka socday ururka UCID. Isla-markaana Axmed Muuse Geeddi (San-jab) oo ka tirsan ururka UCID ayaa isna sheegay in loo baahan yahay oo lagu xisaabtamo wixii ka fulay iyo waxa aan ka fulinba, heshiis ay hore u wada-galeen ururada siyaasada dhammaantoodba kaasoo ka koobnaa 12-qodob.

 

Gudoomiyaha ururka HORMOOD Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo isna Badheedhaha ururkiisa halkaa cadeeyay ayaa sheegay in diiwaan-gelin la’aanteed aanay dhici karin doorasho xor ahi, isla markaana ay taasi tahay mid sharciga laftiisu u qeexayo oo aan laga talaabsan karin. “wallee aniguna kufida ma daayo, hooyadayna hobo’da igama dayso. Imikana anaguna ma daynayno ololahan marag ma doonka ah ee isku milanka UDUB iyo dawladda, iyaguna nagu soo cadeeya ma daayaan. Runtu waxa weeye, saddex arrimood uunbaa lagu helayaa doorasho xor ah, dawlad dhex ah, maaliyad loo sinaado, iyo tallo loo sinaado” sidaa waxa doodeeda ku mudatay Canab Cumar Illeeye oo ka tirsan ururka HORMOOD. Waxaanay intaa raacisay oo ay tidhi “yaa la tartami karaya ninka Wasiiraddii, maayaraddii, iyo Badhasaabadii gobolada u wada roorayaan. Gobolada qaar ka mid ah ayaa maayaradii qaybinayaan raashin kaalmo ahaa oo kaambayn Udubaysan ah, markaa waa sidee, sida loola tartamayaa. Runtu waxa weeye caddaalad haddii la waayo meesha ma yaallo tartan xor ahi”.

 

Ururada kale ee mucaaridka ah ee dooddaa ka qayb qaatay ayaa iyana sidaas oo kale u muujiyay dhibaatadaka taagan isku milanka UDUB iyo dawladda. “anagu hore ayaanu u qaylinaynay, oo hayaay u lahayn. Markaa runtu waa run oo UDUB iyo dawladdu waa isku Milan yihiin. Awood dawladeed ayaanu UDUB wax ku qabsanayaa sidaa aawadeed waa in la kala soocaa UDUB iyo dawladda”. Sidaa waxa yidhi Cumar Jaamac oo tirsan ururka ILAYSka Somaliland oo doodaas ka qayb-qaatay. Gudoomiyaha ururka UMAD oo farta ku fiiqaya heerka uu gaadhsiisan yahay isku daranka UDUB iyo dawladda ayaa isna ku darsaday doodaas “UDUB iyo xukuumadu gobol kastaba waxay u direen wasiiro si reernimo ah u soo wacyi geliya bulshada, sida gobolka Awdal oo ay joogaan hadda, saddex wasiir. Iyaga oo dadka ka dhaadhicinaya, haddaynu nahay reer hebel M/weynuhu waa inaga, markaas Xisbi kale oo aad cod siisaan yaanu jirin UDUB mooyaane” Gudoomiyaha ururka UMAD Axmed Jaamac intii uu hadalkaa waday waxaa wejigiisa laga dareemayay cadho xoog leh. Xubnaha kale ee sida weyn iyana uga qayb qaatay doodaas waxaa ka mid ahaa Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah Gudoomiyaha ururka KULMIYE, kaasoo sheegay in isku milanka UDUB iyo dawladdu uu yahay mid marag ma doon ah oo cadaymihiisa la hayo “xukuumadan lagu soo dhisay shir-beeleedka waxa loogu tallo-galay inay dalka gaadhsiiso nidaamka axsaabta badan, manay ahayn inay dawladdu Xisbi samaysato, waana khalad ururka UDUB in loogu yeedho xisbiga dawladda” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

 

Axmed Siilaanyo wuxuu xusay in wakiilkiisii Ceerigaabo loo sheegay inuu ka baxo ururka, isla-markaana loo balan-qaaday in la siiyo dayn uu dawladda ku lahaa. Ururada  mucaaridka waxay doodoodu ku biyo shubatay in UDUB isaga oo huwan magacii dawladdii uu ku tagri falayo hantidii ummadda, taasina ay tahay qayra sharci aan suuro-gal ka dhigaynin in doorasho xor ahi dhacdo. Badheedhahaa iyo eedayntaa ururada mucaaridku u jeediyeen ururka UDUB iyo dawladda, waxaa jawaab ka bixiyay oo madashaa ka hadlay Xoghayaha guud ee ururka UDUB Cabdi Aw Daahir iyo Wasiirka Waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale.

 

“gardiid waa alle diid, anigu waan gar-qaadanayaa ee bal isu-taga oo igu soo caddeeya maaliyadda dawladdu leedahay ee aan isticmaalno”. Sidaa waxa yidhi Dr, Cabdi Aw Daahir. Xoghayuhu  wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi “doorashooyinka wixii farsamo ahaan inaga qabyo ah, aynu uga hadalno sidii wadajir aynu ugu dhamaystiri lahayn, waqti badana ha inagaga luminina hadalo isku-tuur tuur ah. Mida kale Axmed Yuusuf Ducaale, Maxamed Siciid Gees, iyo C/llaahi Dirawal waa Golaha dhexe ee UDUB, gelinka dambe xarunta UDUB ayaanu ku kulanaa, kuna arrinsanaa, laakiin hawlaha wasiirnimadooda markay wadaan waa hawlo qaran” dooda Xoghayaha UDUB ka dib waxaa isna hadalka qaatay Axmed Yuusuf Ducaale, waxaana weedhihii doodiisa ka mid ahaa, “UDUB hantida dawladda ayay isticmaashaa, ayaa hadalka lagu soo cel-celinayay, waxaan leeyahay UDUB, waa xisbiga dawladda anigu wasiir baan ahay, damac siyaasi ahna waan leeyahay, UDUB maxaad u tahay in lay yidhaahdo xaq maaha. Sidaad kursi u doonaysaan ayaan kursi u doonayaa, oo damac siyaasi ah u leeyahay” Axmed Yuusuf Ducaale wuu sii hadlay, waxaanu yidhi “nin baa yidhi Maxaa  gaadhigaaga ku dhejiyay UDUB u coddee, isagoo ka wada gaadhiga dawlad baa leh. Markaa waa u jawaabay oo waxaan idhi, wax iga maanacaya inaan Xisbi gallo, oo damacayga siyaasiga ah diidayaa ma jirto.” Axmed Yuusuf Ducaale wuxuu xusay inay jiraan rag mucaaridka laftooda ka mid ah oo ka soo toosay guryo dawladdu leedahay, waxaanu carabka ku dhuftay Axmed Siilaanyo. Taasina waxay dhalisay dood weerar iyo weerar celis ah oo si shakhsi ah ay isugu hujuumeen labada siyaasi.

 

Axmed Siilaanyo oo ka jawaabaya arrintaasina wuxuu sheegay in halgankii uu u soo galay dibu-xoreynta dalka aawadii loogu xurmeeyay guriga uu ku jiro, dhinaciisana wuxuu ku duray Axmed Yuusuf Ducaale arrimo la xidhiidha khiyaamooyin uu sheegay in hore loogu Xidhay. Weerarkaa shakhsiga ee labadoodu isku qaadeen waxaa soo afjaray Dr, Bulxan oo isagu daadihinayay geedi socodka dooda.

Intaas, dabadeed waxa mikrifoonka la wareegay guddiga doorashooyinka oo isaga laftiisa la dhaliilay hawl-qabadkiisa. Gudoomiyaha guddigaa Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa faah-faahin dheer oo uu ka bixiyay dibu-dhaca doorashada, ku sheegay in sababta keentay dibu-dhiga waqtigii doorashada D/Hoose ay tahay mid sababteeda ugu horaysa ay leeyihiin , guddiga diiwaan-gelinta oo uu xusay inay la raageen wixii xaggooda laga sugayay, taasina ay dhalisay dibu-dhac 23-maalmood ah.

 

“dawladda xaggeeda wax nagaga xidhani ma jiraan, lacagtayadiina Baanka Somaliland ayay noo taallaa” ayuu yidhi Axmed X. Cali Cadami. Hase yeeshee wuxuu qiray inaanay guddi ahaan weli samaynin guddiyadii doorashooyinka ee heer gobol iyo heer degmo, taasoo uu carabka ku dhuftay inay iyana qayb ka tahay arrimaha keenay dibu-dhaca doorashada.

Intaas ka sokow, Axmed X. Cali Cadami waxa kale oo uu ka hadlay isku milanka UDUB iyo dawladda, waxaanu yidhi, “dawlad Afrikaan waynu wada ognahay habka ay isugu diyaariso doorashada, runtuna waxa weeye, wax aan la dafiri karini waa jiraan, laakiin waxa quman, inaynu nidhaahno, waar fandhaal wayn ha darsanina ee si asturan u darsada”. Weedhahaasi waxay abuureen sacab xoog leh oo ay ka qayb-galayaashu doodu u tumeen.

 

Shukri Xaaji Baandare oo ka mid ah guddiga doorashooyinka ayaa iyana halkaas ka hadashay.

Aakhirkii doodaasna waxaa weedho kooban ku darsaday Sh. Axmed Sh. Nuux oo isna ka socday Golaha Guurtida, kaasoo u mahad naqay maamulka Hotel Maansoor, oo ku tababrucay hoolka shirka lagu qabtay. Gunaanadkii doodaasina waxay fadhiisatay in si cad loo oogo oo la cadeeyo eedaha ururka UDUB iyo dawladda loo xambaariyay, waxaana lays weydiiyay cidda gadh-qaad ka noqonaysa dacwada arrintaa la xidhiidha haddii la oogo. Doodani waxa la filayaa ina sii socoto.