Haatuf, Cadadki 159, Sep.15, 2002

Mac-Hadka IRI Ee

Maraykanka Oo Somaliland Ka Caawinaya Arrimaha Doorashada

Harg (Haatuf):- Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda mac-hadka caalamiga ah ee lagu magacaabo International Republican Institute, ee dalka Maraykanka, kaas oo ka shaqeeya hirgelinta iyo dhiiri-gelinta hannaanka dimuqraadiyadda, isla markaana u yimi inay gacan ka geystaan arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Kulankaas Madaxweynaha iyo weftigu yeesheen wuxuu ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen, oo aan saxaafadda loo oggolayn. Hase yeeshee, kulankaas kadib, af-hayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale, war-saxaafadeed uu ka soo saaray wuxuu ku sheegay weftiga mac-hadka dimuqraadiyadda ee IRI, ka socdaa inay u xaqiijiyeen, inay Somaliland kala shaqaynayaan hirgelinta iyo qabsoomidda doorashooyinka, isla markaana waxay tibaaxeen siduu war-saxaafadeedku sheegay in ay dawladdooda Maraykanka ka heleen dhaqaalihii ay hawsha ku geli lahaayeen. War-saxaafadeedkaa af-hayeenku soo saarayna wuxuu u dhignaa sidani:

“Madaxweynaha JSL, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday mac-hadka caalamiga ah ee lagu magacaabo International Republican Institute, oo u yimi dalka inay gacan ka geystaan arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Madaxa weftiga Mr. Jeffery R. Krilla, oo ah agaasimaha mac-hadkaa u qaabilsan Africa, waxa uu Madaxweynaha u sheegay in mac-hadkoodu uu qaabilsan yahay arrimaha ku wajahan dimuqraadiyadda oo hadda ka hana-qaadkeedii si fir-fircoon uga socdo Somaliland.

Waxa uu intaa ku daray, in ay mudddaba arrimaha Somaliland la socdeen. Hase ahaatee, ay u raadinayeen dhaqaalihii ay hawsha ku geli lahaayeen, taas oo hadda aanu ka helay dawladda Maraykanka ayuu yidhi; “Waxaanu hadda u nimid inaanu hawsha darisno si aanu arrintaa wax uga qaban lahayn. Waxaana hawshayada ka mid noqon doonta tabobarada ururada siyaasiga ah oo hawsha ku cusub, sidii aanu wax uga taro sida looga qayb-qaato doorashooyinka, u ololalaynta .doorashada iyo arrimaha la xidhiidha si aanu marinku ugu leexan qaab-beeleed. Waxa kale oo aanu wax la qaban doonaa guddiga qaranka doorashooyinka,” ayuu yidhi.

Madaxweynuhu, waxa uu ku wargeliyay weftigaa in uu waajib iskaga dhigay in dumuqraadiyaddan ku salaysan doorashooyinku ay ka dhaqan-gasho Somaliland; “Maadaama aniga laftaydu kursigan aan ku imid dhaqan-gelinta sida uu na farayo dastuurkayagu sidaa daraadeed, way naga go’antahay doorashooyinkaa aanu kaga guurayno qaab-beeleedkii inay noo qabsoomaan xataa haddii aanan wax kaalma ah caalamka ka helin,” ayuu yidhi.

Mudane, Rayaale, waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Ma jiraan maanta wax la yidhaahdo mucaarad iyo muxaafid, ururo siyaasadeed ayaa jira, doorashada D/Hoose ayaanay ku soo bixi doonaan Axsaabta qaran ee markaa tartanka geli doontaa, oo u kala bixi doona mucaarad iyo muxaafid. Maantase Waxaanu ku wajahnay siduu hab-dhaqankaasi noogu sugnaan lahaa.” Waxa kale oo Md. Rayaale weftiga uga warramay taariikhdii waddanka ee soo jireenka ahayd. Waxaanu u sheegay in aanay ahayn gobol dalkiisii hooyo ka go’ay, balse Somalia ay ahaayeen laba qaran oo isu tegay, dabadeedna kala noqday. Waxa kale oo uu weftiga u sheegay wixii la xidhiidha doorashooyinka, dhinaca dawladda inay ka diyaar yihiin. “Waxaase arrintaasi mas’uuliyaddeeda u madax-bannaan guddiga doorashooyinka qaranka, annaguna Waxaanu diyaar u nahay wixii nagaga soo aada inaanu fulino,” ayuu ku yidhi weftiga. Waxa kale oo uu u sheegay inuu hadda hawlgalkeedii ku jiro kor u qaadida arrimaha Maamulka, wixii ka dhiman gobollada qaarkood, Waxaanu xusay inuu cagahiisa ku soo mari doono xuduuda Somaliland intaan doorashadaba la gaadhin, si aan isaga gufayno wixii daldaloolo ah,” ayuu raaciyay.

Kulankan waxa Madaxweynaha kala qaybgalay wasiirka madaxtooyada.

“Waxaanu Daba-Joognaa Wixii Ka Soo Baxay Safaradii Madaxweyne Rayaale Ee Dibadda”

Waraysi – Mudane Qaybe

Harg (Haatuf):- Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), ayaa shalay faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qodob ku jira Ajandaha kal-fadhigan ee golaha oo dood adag ka dhex-aloosay golaha, kaas oo ku wajahan qiimaynta hawlaha iyo wax-qabadka xukuumadda Madaxweyne Rayaale.

Mudane qaybe oo saxaafaddu waraysi kala yeelatay arrinta, kadib fadhigii shalay ee golaha oo uu ka jeediyay hadal uu si weyn ugu difaacayo qodobkaa ajandaha oo goluhu ku kala qaybsamay dooda meel-marintiisa. Waxa uu sheegay in ujeedada qodobkaasi tahay in xukuumaddu ay golaha horkeento war-bixin ku saabsan wax-qabadkeeda, si uu ula socdo siyaasadda dalka.

Waraysigaas oo uu Md. Qaybe kaga jawaabayo sababta uu farta ugu goday safarradii uu Madaxweynuhu ugu kacay dibedda iyo dareemada ka dhashay ajandaha adag ee golaha, waxa uu u dhacay sidan:

S: Guddoomiye waxaad sheegtay in ajandaha wax laga beddelayo, markaa gebi ahaanba miyaa laga tanaasulay qodobkii dooda dhaliyay?

J: Maya, wuxuu ahaa qodob ku saabsan qiimaynta wax-qabadka Madaxweynaha, markaa eraygaa Madaxweynaha, ayaa laga tiray, waxaana laga dhigay qiimaynta golaha xukuumadda.

S: Moosinkan aad golaha ka oogtay, waxay dadka qaar u arkaan inuu salka ku hayo khilaaf u dhaxeeya adiga iyo Madaxweynaha, taa maxaa ka jira?

J: Aniga iyo Madaxweynaha wax xumaan ahi nagama dhaxeeyaan, dadka hadalladaas lihina waa dad doonaya inay isku dhuftaan aniga iyo Madaxweynaha, waxna kama jiraan arrinkaa.

S: Waxa jira wefti ballaadhan oo salaadiinta iyo wax-garadka Somaliland ah oo loo diray Laas-caanood, beryahanna ku sugnaa. Markaa waxa la rumaysan yahay, in Madaxweynuhu aanu kaala tashan arrinta weftiga, taasna aad ka cadhaysan tahay, maxaa ka jira?

J: Madaxweynuhu in aanu igala tashan, wax jira weeye, laakiin kama xanaaqin, waayo wuu ii hawl-yareeyay oo haddii uu aniga igala tashan lahaa culays weyn baa I fuuli lahaa. Sidaas oo ay tahay, kama madhniye intaa waan la hadlayaa dadkii oo waxaan leeyahay weftigaasi yaanu fara-madhnaan idinkala soo noqonin, markhaati baanay leedahay.

S: Kal-fadhigan golaha ee doodda kulul ku furmay, waxay mudanayaasha qaar u arkaan in shir-guddoonku ugu talogalay inay diir-diiriyaan, maadaama uu yahay kal-fadhigii ugu dambeeyay sannadka, miyaanay sidaa ahayn?

J: Maya, sidaa maaha, waxna kama jiraan. Waa caadi in la isu yimaado oo arrimo la isku maan-dhaafo….arrimaha heshiis kuma wada aha xil-dhibaanadu. Arrimo laysku maan-dhaafsan yahay baa imanaya meesha, laakiin laga gabban maayo. Waa la keenayaa. Waayo, hawshayadii weeye, markaa dambena meel uun baa la isugu lug-duwan doonaa. Markaa wax gaar aan uga jeednay maaha, waxa weeye hawshii golahani sidii dastuurku na farayay, sidii aan u qodobeeyay saaka (shalay subax), markaan golaha la haldayay ayaa waajib nagaga dhigaysa in arrimahaas oo dhan la soo qaado oo laga wada-hadlo.

S: Guddoomiye, markii aad golaha la haldaysay, waxaad aad ugu cel-celisay safarradii uu Madaxweynuhu dibedda ugu baxay, qarsoodi bay ahaayen baa tidhi, oo waxba lagama oga, markaa ma waxa jira shaki ah in Madaxweynuhu soo galay heshiisyo qarsoodi ah?

J: Anigu qarsoodi bay ahaayeen ma odhane, waxaan idhi wixii ka soo baxay ama ka dhashay waxay ahayd, in naloo keeno haddii heshiisyo la galay ay tahay, iyo hadday wax kale tahayba, warbixin in nalaga siiyo, welina ma hayno, taanu daba-joognaana taas weeye, maadaama aanu qayb ku leenahay ilaalinta siyaasadda guud ee dalka.

S: Hadda, maxaad ku dhalliilsan tihiin ama aad ku eedaynaysaan xukuumadda guud ahaan?

J: Mayee, waxa weeye, Waxaanu dhalliili karnaa xukuumadda markaanu warbixinteeda hello, weli wax warbixin ah oo aanu ka haynaa ma jirto. Haddii ay noo yimaadaan oo sida dastuurku farayo ay noo yimaadaan oo warbixin na siiyaan, haddii wax dhaliil ahi soo baxaan markaas baanu u sheegaynaa. Hadii wax tallooyin ah loo baahdo, markaas baanu u sheegaynaa. Waayo, dastuurka ayaa na faraya hawlaha caynkaas ah inaanu qabanno, ummadda Somaliland baanu ka wakiil nahay, waa inaanu la soconaa wixii dalka ka socda ee inay naga qarsonaadaan maaha.

S: Dalku, wuxuu waqtigan ku jiraa xaalad loo diyaargaroobayo doorashooyin, waxaana jira muran badan oo ka dhextaagan ururada siyaasadda, guddiga doorashoohyinka iyo xukuumadda. Idinka gole ahaan muxuu yahay mawqifkiinu?

J: Guddiga doorashooyhinka ayaa ajandaha noogu jirta inay noo yimaaddaan oo noo xog-warramaan, markaannu xogtooda helno ayaanu waxaannu ka odhanayno ka odhanaynaa.

S: Ma Madaxweynahaad doonaysaan inuu idiin yimaaddo?

J: Ama isaga ama wasiiraddiisa, khasab maaha inuu isagu yimaaddo.

Yaa Dhex-Dhaxaadin Kara Ururada

Siyaasadda Ee Somaliland Xilliga Doorashada?

Faallo Cumar Daahir Cumar

Marka la isku daro dhowr arrimood oo kala ah, muddo dheer oo ka soo wareegtay xiligii ugu dambaysay S/land doorashooyinka hal- qof iyo hal cod (one man one vote) oo ahayd (40) afartameeyo sano ka hor, bulshada S/land oo ah dad ka soo doogay saameynta dagaalo ay soo mareen habkii beelaha wax lagu dooran jiray oo weili saamayn ku leh qaabka xulashada xubnaha ee ururada siyaasada ee Somaliland, qaabka maamulka iyo xisaabaadka hufan oo liita Somaliland sida dalalka kale ee Afrika ama dunida saddexaad, arrinta kale ee muhiimka ah ee salka u noqon karta tuhun iyo guux soo dhex gala tartanka doorashooyinka ama laga yaabo inuu saamayn ku yeesho waxa ay tahay M/weyne Somaliland Mr. Daahir Rayaale Kaahin iyo M/weyne ku xigeenkiisa Mr. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka tirsan, musharaxni mana ay cadeysteen inay u yihiin ururka UDUB oo ku jira inta badan masuuliyiinta haya xilalka dawladda min heer m/weyne ilaa maayor magaalo.

Arrintan marka la eego saameynta iyo mar-marsiiyaha ay sababi doonto iyadoo Haddaba ah halka ay u badan tahay tuhunka ururada kale ee marka laga reebo UDUB ay sheegayaan in isku marnaanta ururka UDUB iyo maamulka dowladda gacanta ku haya hanti iyo awood wixii ummadda ka dhexeeyay inay tahay arrin keeni karta in aan laga fursan badhitaar iyo taakulayn lagu kobciyo UDUB kuwaasoo ka yimid si aan waafaqsanayn dhexdhaxaadnimo looga baahan yahay maamulka Somaliland oo u dhex ah ururada tartamaya. Arrintan marka la saaro miisaanka waxaa muuqanaya in doorashooyinka soo socda ay leeyihiin dhaliilo badan sida guddiga doorashooyinka oo aan sidii loo baahnaa aan ugu baahin si rasmi ah oo howlgal iyo joogitaana dhammaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland marka laga reebo caasimada, sharaxaada fahamka iyo tabaabushaha doorashooyinka oo aan gaadhin halkii haboonayd ee dadka wax dooranaya ay ku xulan lahaayeen doorashadooda, guud ahaan doorashooyinku waa diyaar in lagu tartamo ayay arrimahaas aynu soo sheegnay waxay ka dhigayaan arrin laab la kac ah oo ka fog sifo doorashooyin dhalin kara midhihii loogu tartamayay.

Aragti ahaan laba arrimood oo aan sharciga loo sababayn karin ayaa u muuqata in ay horseedi karaan doorashooyin uu tuhunku ku yar yahay iyo khilaafka oo ka dhaca Somaliland tan hore warbixin xaaladda xiliga ku haboon doorashooyinka oo laga sheega xaqaa’iqa si ay qabashadoodu ugu beeganto xili ku haboon oo ka fayow khilaaf keena hantaaq dhib u geysata miyir socodka Somaliland ee tobankii sanadood ee tagay.

Dhinaca kale M/weyne Rayaale iyo K/xigeenkiisa ayay u banaan tahay inay si runa uga fikiraan sida ay kala guurka nidaam beeleedka iyo ururada siyaasada ee Somaliland ay kaalintoodu ugu haboon tahay inay is sharaxaan oo ayku dhex jiraan iyo inay noqdaan maamul u dhex ah ururada tartamaya si uu meesha uga baxo tuhunka ba’an ee ah in hantidii ummadda ay maamulku si gaara ugu maalgelinayaan ururka ay ku jiraan masuuliyiinta dawladdu, Inkasta oo fikradan dambe ay xubno badan oo taageera ururka UDUB ay ula muuqan karto mid aan haboonayn laakiinwaa mid abuuri kara jawi Siyaasadeed oo ay ku niyad samaan karaan ururada ku tartamaya doorashooyinka soo socda ee la filayo inay ka dhacaan Somaliland.

Wararkii U Dambeeyay Ee Socdaalka Madaxweyne Ku-Xigeenka Ee Gobolka Saaxil

Berbera (Haatuf):- M/weyne ku xigeenka Somaliland, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo Khamiistii socdaal ku tegay gobolka Saaxil, ayaa shalay booqday degmada Sheekh, halkaas oo si weyn logu soo dhaweeyay, isla markaana loogu sameeyay hadhimo sharaf ay isku qaabileen weftigiisa iyo odayaasha iyo wax-garadka degaankaasi.

Siduu noo soo tebiyay weriyaha gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir, Madaxweyne ku xigeenku, kahor intii aanu gaadhin degmada Sheekh, wuxuu ku sii hakaday tuulooyinka Laalays iyo Hudduuse, halkaas oo uu ku salaamay dadweynaha deggan oo waddada isugu soo baxay.

Weftigu markii uu gaadhay magaalada Sheekh, waxa uu ugu horrayn u leexday oo uu booqday dugsiga Sheekh, oo ay dayctirtay hay’adda SOS, kadibna wuxuu Madaxweyne xigeenku tegay gudaha magaalada, halkaas oo si abaabulan loogu soo dhaweeyay.

Siduu ku soo warramay weriyahayagu, odayaasha degaankaasi waxay ka dalbeen Madaxweyne xigeenka, in la dayactiro cusbitaalka degmada Sheekh oo weli ku jira xaalad curyaanimo ah. Sidaa daraadeedna, wuxuu Madaxweyne xigeenku u ballan-qaaday dadka reer Sheekh inay dawladdu xooga saari doonto sidii wax looga qaban lahaa cusbitaalkaa.

Madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisu, maqribnimadii shalayba waxay ku soo noqdeen magaalada Berbera.

Jaaliyadda Somaliland Ee Kanada Oo  Deeq Qalabka Ciyaaraha Ah Siisay Ururka Dhallinyarada Ee SYS

Hargeysa (Haatuf): Ururka dhalinyarada Somaliland (SYS) oo ka mid ah ururada bulshada ayaa maalintii jimcihii qalab dhinaca ciyaaraha ah ka helay muwaadin reer Somaliland ah oo ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Kanada.

Muwaadinkan deeqda soo diray oo la yidhaahdo Maxamed Cali Nugaal waxa SYS deeqdaasi ku gudoonsiiyay Gudoomiyaha jaalida reer Somaliland ee kanada Maxamed Cali bilaal xaflad ka dhacday xarunta ururka SYS maalintii jimcihii  waxaana xafladaasi laga soo jeediyay khudbaddo kala duwan.

Gudoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee kanada Maxamed Cali Bilaal oo ka hadlay munaasibada ayaa ugu horeyn u mahad naqay ururka SYS oo xafladda ka hadlay isaga oo amaanay wax qabadka SYS ee ku wajahan dhinaca dhalinyarada. Iyo Dhinaca qalabkan ciyaaraha oo ah deeq uu u soo diray muwaadin ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee kanada “anigu aad iyo aad baan ugu faraxsanahay ururka SYS waxaanan u rajaynayaa inuu iskaashi fiicani naga dhexayn doono mustaqbalka” ayuu yidhi Mr Bilaal isaga oo dhalinyarada Somaliland ugu baaqay inay taageeraan ururka SYS. Gudoomiyaha SYS Maxamed Maxamuud Yuusuf oo isna hadalka qaatay ayaa u mahad naqay jaaliyada Somaliland ee kanada gaar ahaana muwaadinka soo dirayqalabkan oo uu tilmaamay inay wax weyn ka tarayaan waxqabadka ururka ee dhinaca ciyaaraha.

Waxaa kale oo iyaguna munaasibadaasi ka hadlay xubno kale oo ka tirsan SYS. Ururka Somaliland Youth society (SYS) oo la aasaasay 25 may 2000 waxa uu ka mid yahay ururada bulshada ee Somaliland gaar ahaana dhinaca dhalinyarada muddadii uu jirayna waxa uu soo qabtay hawlo kala duwan oo isugu jira ciyaaro aqoon isweydaarsiyo, iyo abaal marino uu bixiyay. Waxaana ujeedooyinkiisa ka mid ah inuu soo saaro dhalinyaro higsanaysa mustaqbal fiican oola hiigsan karo. Isaga oo la dagaalama dhaqamada xun xun ee dhibaatada u keenaya dhalinyarada, gaar ahaana mukhaadaraadka.

Somaliland Iyo Hirdanka Awoodaha

Kada-loobka Qaybe iyo kan-kaansiga Rayaale ma is-waafaqayaan?

Aniga iyo Madaxweynuhu col ma nihin, ujeedo gaar ah oo aanu shirgudoon ahaan qodobkan u soo dhignayna ma jirto, laakiin waxa weeye in aynu gudano waajibaadka qaran ee ina saaran gole ahaan. Haddii ay caddaato inuu shirgudoonku gar-daran yahay, dee idinkaa na qabanaya.” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), mar uu shalay hadal kooban u jeediyay Golaha uu hogaamiyaha u yahay oo weli ku guda-jira dooda ajandaha kalfadhiga, kaas oo qodob ka mid ah qodobadiisu uu faaqidaad iyo falanqayn xoog leh ka dhex abuuray Mudanayaasha. Qodobkaas oo ah in qiimayn lagu sameeyo hawl-qabadka Madaxweynaha Mudadii uu xilka hayay, Mudanayaashu aragti kala duwan ayay ka bixiyeen. Qaarkood waxay ku doodeen in aan gebi ahaanba loo baahnayn qodobkaas, badh kalena waxay soo qaddimeen in loo baahan yahay in la ogaado xukuumaddu hawlaha ay wado iyo wax-qabadkii mudadii Daahir Rayaale xilka hayay, intaa dabadeedna uu goluhu xukuumadda u fidiyo wixii tallooyin ah ee badhitaar u noqon kara xilka ay ummadda u hayso.

Doodda qodobkaasi, waxay dhalisay xil-dhibaanada qaarkood in ay xag-xagtaan shirgudoonka, isla markaana ay ku dhalliileen sababta qodobkaas loogu soo daray.

“Madaxweynihii horeba looma yeedhi jirin ee maxaa kan loogu yeedhayaa?”

“Waar, waa loo yeedhi jiray oo ilaa kabihiisa la goo-goosan jiray.” Labadaa weedhood ee su’aasha iyo jawaabta ah, waxaa is-weydaarsaday laba mudane oo Aqalka Wakiillada ka tirsan. Dooda Mudanayaasha ka sokow, waxaa fadhigii shalay hadal kooban oo jawaab ahaa ku soo khatimay Gudoomiye Qaybe, oo ku nuux-nuuxsaday in aanu shirgudoonku wax ujeedo ah ka lahayn qodobkaas, sababta loo soo dhigayna ay tahay mid dastuuriyan ah oo waajibaadka golaha ka mid ah.

Mudane Qaybe, wuxuu intaa ku ladhay oo uu Mudanayaasha u akhriyay qodobada dastuurka ee ka hadlaya waajibaadka shaqo iyo awoodaha Golaha Wakiillada, kuwaas oo tilmaamaya xaqa uu goluhu u leeyahay inuu xukuumadda hawl-qabadkeeda ku daba-galo, uguna yeedhi karo, si uu u ogaado sida ay wax u wado, si uu goluhu tallooyin lagu toosinayo wixii qalooc ku jiro u siiyo. Waxa kale oo qodobadaa uu akhriyay ka mid ahaa; heshiisyada Caalamiga ah ee xukuumaddu cid kale la gasho, kuwaas oo dastuurku waajibinayo in ay xukuumaddu hor-geyso Golaha Wakiillada, si ay u eegaan.

Haddaba Gudoomiye Qaybe, isagoo cuskanaya qodobadaa dastuurka ee ka hadlaya waajibaadka golaha iyo awoodihiisa, isla markaana ku dabaqaya qodobkaa dib-u-qiimaynta hawl-qabadka xukuumadda Madaxweyne Rayaale, wuxuu xusay in qodobku qayb ka yahay waajibaadkii shaqo ee Goluhu u xil-saaraa.

“Madaxweynuhu waxa badan buu qabtay, socdaalo dibadeed buu u baxay oo uu Djabuuti iyo Itoobiya ku tegay, waxay ahayd markii uu soo noqdayba inuu ama khayriyadda dadka kala hadlo ama halkan inoogu waramo, ilayn si dhab ah uma ogin wixii uu kala soo kulmaye.” Sidaa waxa yidhi Qaybe, Waxaanu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Tallo la helyaaba, war la hel. Marka aynu ogaano xukuumaddu waxay wado, ee ay inoo sheegto, ayaynu tallo siin karaa. Laakiin, maxaynu siin karaa haddii aynaan waxba ogayn, waayo, Madaxweyneheenii horeba marka uu socdaalada ka soo laabto, ama dadkuu khayriyadda kala hadli jiray, ama halkan ayuu iman jiray oo golayaasha ugu warami jriay.”

Mudane Axmed M. Aadan (Qaybe), wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; “Inagu waxaynu gudanaynaa wixii waajibaadkeena ah, ee ma inaynaan gudan baad doonaysaan?” Waxaanu intaa raaciyay oo uu ku afeeftay in aan la qalloocin hadalka, oo aan colaad iyo isku-dir laga dhex doonin isaga iyo Madaxweynaha.

“Ha isku kaaya dirrina, aniga iyo Madaxweynaha. Waayo, isaguna waajibaad buu leeyahay, aniguna waajibaad baa I saaran.”

Inkastoo uu gudoomiye Qaybe hadaladiisaa ku muujiyay in aanay jirin, wax xurguf ah oo u dhexaysa isaga iyo Madaxweynaha, haddana waxaa la rumaysan yahay in aanu xidhiidh wanaagsani ka dhaxaynin labadooda, isla markaana tan iyo intii uu tallada hayay Madaxweynihii horeba ay u dhaxaysay labadooda xurguf siyaasadeed oo diirimaadkeedu digrii aan la wada-dareemin uu ku socday. Hase yeeshee, waxa la sheegay in ay taasi sii xoogaysatay Muddadan dambe ee uu Daahir Rayaale talada Madaxweyne-nimo qabtay.

Si cad looma iftiimin, waxyaabaha sababay khilaafkan la sheegay inuu dhexyaalo, hase yeeshee siday tibaaxeen warar laga soo xigtay illo lagu kalsoon yahay, wuxu khilaafku unkamay, kadib markii uu Madaxweynihii geeriyooday u xilsaaray Daahir Rayaale inuu ka arrimiyo dhammaanba xidhiidhka beelaha aan Isaaqa ahayn iyo dawladda ee dhinacyada kala duwan. Sida la sheegay, taasi waxay horseeday beesha Sool iyo degmada Buuhoodle in ay la xidhiidhaan Mudane Daahir Rayaale, isla markaana waxay taasi dhabaha u xaadhay in Qaybe laga qadiyo ka arrimintii beesha Sool. Sida muuqatana, wuxuu taas u arkay kaambayn miisaankiisa siyaasadeed lagu qaaday. Sidaa aawadeed, waxaa la rumaysan yahay in ay taasi xoogaysay xafiiltan diblomaasiyadeed oo markii dambe soo shaac baxay oo dhexmaray Md. Qaybe iyo Madaxweynihii hore, kaas oo loo aaneeyo inuu dabada ka riixay moosinkii maamuus ka xayuubinta ahaa ee Wakiilladu ku oogeen Madaxweynihii hore, isla markaana curruruqda geliyay xilligaas.

Iyadoo xaalku sidaa ku soo socday, ayaa haddana waxay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku tallaabsatay hawl-gal ballaadhan oo ay ku ekaysay Gobolka Sool, halkaas oo loo diray ergo culus oo weli ku maqan aaggaas, taas oo u qalab-qaadatay xallinta wixii tabasho iyo khilaafaad ah ee dhexyaalla reer Sool iyo dawladda. Laakiin Gudoomiyaha Wakiiladda oo aanu arrintaa wax ka weydiinay, wuxuu sheegay in aan haba yaraatee laga tallo-gelin arrintaas, balse wuxuu intaa ku ladhay in aanu ka xumayn tallaabadaas ee uu la xidhiidho dadka gobolkaas, una sheegay in aanay ergadu faro-madhnaan kaga soo noqon.

Inkastoo waajibaadyada labada masuul kala duwan yihiin, haddana ma cadda meesha uu ku dambayn doono hirdankoodu, iyo sida ay isu waafiqi doonaan kankaansiga Madaxweyne Rayaale iyo kada-loobka Gudoomiye Qaybe.

Xubno Ka Tirsan Al-Qaacida Oo Lagu Qabtay Baakistaan

Karachi (W/Wararka) – Dawladda Baakistaan ayaa shaaca ka qaaday shalay, inay qabatay mid ka mid ah xubnaha ururka Al-Qaacida, ninkaasna magaciisa lagu sheegay Rasmi binu Shiiba.

Qabashada ninkani, waxa ay ku soo beegantay maalmo yar kadib markii ay ciidamada amaanka ee Baakistan qabteen xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Qaacida, uuna ka mid yahay mas’uul sare oo ka tirsan hoggaanka sare ee Al-Qaacida, ninkaas oo lagu sheegay magacyo kala uwan, oo ay ka mid yihiin Abuu-bakar binu Cadiil, iyo Khaalid Sh. Maxamed, waxaanay sababta loo sugi waayay magaciisa ku sheegeen ciidamada ammaanku, raggaasi oo isticmaala magacyo kala duwan iyo baasabooro been-abuur ah.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha Gudaha ee Baakistaan Muciinu-diin xaydar oo magaalada Karachi ugu warramay warbaahinta caalamka. Xubnahan la qabtay, waxa baadhaya xubno ka socda ciidamada Sirta ee Baakistaan iyo sirdoonka Maraykanka ee FBI, kuwaas oo su’aalo weydiinaya xubnahan la qab-qabtay. Wuxuuse beeniyay in ilaa hadda xubnahaasi ay u gacan-geliyeen Maraykanka.

Xubnahan la qab-qabtay oo lagu eedaynayo inay lug ku lahaayeen weeraradii ka dhacay Maraykanka waxa ay ku soo beegantay iyada oo la xusayo sannad-guuradii koowaad ee markii ay weeraradaasi dhaceen.

Ciraaq Iyo Al-Qaacida Maxay Ka Midaysan Yihiin?

Jariidada-Times

Wasiirka gaashaandhiga ee Maraykanka Donald Rumsfeld

Hargeyska Time cadadkiisii soo baxay bishii September 2, 2002 ayaa qoray ciwaanka kor ku qoran, Wargeysku wuxuu qoraalkaas ku soo bandhigay arrimaha ay isku aragtida ka yihiin Osaama Binu Laadin oo ah ninka Madaxda ka ah ururka Al-qaacida iyo Sadaam Xuseen, madaxweynaha Ciraaq, sida cadaawada ay u hayaan Israa’iil mucaaradada ay ku diidanyihiin Boqortooyada Sacuudi Arabiya, waxaa kale oo ay ka midaysan yihiin nacaybka iyo cadaawada ay Maraykanka,  labada nin ee Sadaam Xuseen iyo Osaama waxaa lagu eedeeyay inay u heelan yihiin samayska hubka kiimikaalka ah iyo kan bayolajiga ah, waxaa intaa lagu daray in ay awoodaan Al-qaacida iyo Ciraaq inay adeegsadaan hubkaas.

Halka ay ururka Al-qaacida ay weli ku hawlan yihiin baadi goobka samaysiga hubka sida ballaadhan ee ba’an wax u gumaada, sirdoonka wadamada reer galbeedku waxay ku warameen in wadanka Ciraaq uu isagu hore u sameystay qaybo ka mid ah hubka halista ah oo uu dalkaasi haysto xubno ka tirsan maamulka Bush iyo muxaafidka ayaa ku duduucaya in uu M/weyne Bush weerarka la dagaalanka argagixisada la beegsado magaalada baqdaad, ee xarunta maamulka Sadaam iyagoo xubnahaasi tilmaamay, ku xidhnaan toosa oo ka dhaxaysa Al-qaacida iyo dalka Ciraaq arintan oo marka si ballaadhan loo cadeeyo taageero u noqonaysa dagaal lagu qaado dalka Ciraaq.

Xubnaha mawqifka adag ka taagan ee taageersan in la weeraro dalka Ciraaq ayaa dhawaan soo bandhigay arrimo cusub oo ay ku muujinayaan in ay isku xidhan yihiin Al-qaacida iyo Ciraaq. Markii Donald Rumsfeld Wasiirka Difaaca ee Maraykanku uu yidhi “waxaa tiro Alqaacido ah joogta meelo badan oo ku yaal Ciraaq”, wuxuu intaa ku daray in Al-qaacida ay soo dhaweyn iyo magan gelyo uu siiyay Sadaam xuseen.

Sarkaal isna ka tirsan Wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa u sheegay jariirada Washington post in xubno Al-qaacida ee jooga dalka Ciraaq, ay ka mid yihiin xubno caana oo magacyadooda la xusi karo.

Joogitaanka Al-qaacida ee Ciraaq ayaa keentay in uu Maraykanku u diro ciidankiisa Komaandowska ah Waqooyiga Ciraaq ee ay ka taliyaan kurdiyiinta si ay u baabiiyaan shaybaadha lagu sameeyo hubka kiimikaalka ah oo ku yaalay halkaas oo ay isticmaalaan koox la yidhaa Ansar-al-islam oo ka hawlgala halkaa oo uu taageero Sadaam Xuseen si ay ula dagaalamaan kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq ee gacan saarka la leh Maraykanka.

Rayi laga qaaday dadka Maraykanka ayaa 86% rumaysan in Ciraaq ay taageerto argagixisada ku kacsan Maraykanka kala badhow badh ayaa iyaguna dadka Maraykanka rumaysan sida uu tilmaamay Rayi laga qaaday in uu Sadaam Xuseen gacan siiyay oo taageeray weerarkii (11) September ee lagu qaaday New york iyo Washington. Saraakiisha hay’adda sirdoonka ee Maraykanka ayaa iyagu sheegay in xidhiidhka isku xidhnaanta ah ee ka dhexeeya Sadaam iyo Osaama inuu yahay mid ay aad isugu fiican yihiin.

Chuck Hagel oo ah mudane ka tirsan xisbiga Republicanka oo madax ka ah guddiga xidhiidhka dibadda ee Senate-ka oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay oo yidhi “Sadaam ka mid maaha ururka Al-qaacida, laakiin wuu taageeraa waanu taabacsan yahay, laakiin sirdoonku weli may ugu qancin in Sadaam aan la xidhiidhiyo Al-qaacida”.

Xubin ka tirsan raga mawqifka adag ee doonaya in la weeraro Ciraaq oo ka tirsan mudanayaasha Senate-ka Maraykanka ayaa isagu sheegay inay jiraan qoxooti Al-qaacida ah oo tagay Ciraaq degayna kuwaasoo ay ka mid yihiin kurdiyiin ka tirsan Al-qaacida oo ku soo laabtay Ciraaq kana soo noqday Afgaanistaan iyo carab ka soo noqotay Afgaanistaan oo ku soo noqotay qaybaha Waqooyiga Ciraaq ee hoostaga maamulka Sadaam Xuseen.

Sirdoonka Maraykanka ayaa ku hawlan sidii ay u cadeyn lahaayeen war laga helay sirdoonka wadanka Czech ee ka midka ahaan jiray Jokislaafiya oo sheegay in mid ka mid ah Afduubayaashii diyaaradihii lagu duqeeyay daaraha New-york Mr Maxamed Atta uu kula kulmay sirdoonka Ciraaq dalka Prague bishii April 2001.

Arrin kale oo ka mida shakiga isku xidhnaanta Al-qaacida iyo Ciraaq waxay ka soo baxday sarkaal hore uga tirsanaan jiray Ciidamada Ciraaq oo hadda ku biiray mucaaridka Ciraaq ayaa sheegay in xerada Salmab pak oo u dhow Baqdaad oo ay maamulaan Booliska sirta ee Ciraaq oo lagu tababaro argagixisada ka yimaada dalalka carabta ee kale. Ninkaasoo uga waramay arrintaa saraakiisha Maraykanka iyo warbaahinta wuxuu intaa ku daray in tababarka ay ciraaqiyiintu ku bixiyaan xerada Salmaan-Pak ay ka mid ahayd in diyaarada Boeing 707 ah lagu baro sida afduubka hawada sare ee diyaaradaha loo sameeyo.

Horaantii sanadkan wuxuu Mr. Maxamed Mansour Shahab oo sheegay inuu hore uga tirsanaa Booliska sirta ee Ciraaq, waraysi jariiradeed ku sheegay in uu maamulka Sadaam qorsheeyay lacag dhan $16 milyan oo doolar, lacagtaas oo lagu isticmaalayay (9) sagaal weerar oo ay argagixisadu fulinaysay sanadkii 2000, shahabi wuxuu tilmaamay in howlgaladaa uu mid ka mid ahi ahaa weerar lagu qaadayay mid ka mid ah maraabkiibta Ciidamada bada ee Maraykanka ee jooga gacanka carabta.

Ciraaq xidhiidhka ay la leedahay Al-qaacida ayaa u muuqda hadda arrin sabab u noqon karta dagaal Maraykanku ku qaado Ciraaq.

FAHAMKA CAAFIMAADKA

Cumar Daahir Cumar

Miisaanka Jidhka Qofka Oo Aad U Kordha (Buurnaan) Waxay Sababtaa Cudurada Macaanka Wadne Xanuunka Faaliga

Wargeyska Time cadadkiisii 2, September 2002. ayaa wax ka qoray sida raashinka uu qofku cunaa uu sameyn ugu leeyahay caafimaadka qofka iyo in qaababka ay dadka qaar u qabtaan raashinka ay keeni karto inuu qofka miisaankiisu uu aad u kordho taas oo dhalisa caafimaad darro iyo xanuuno qofka caafimaadkiisa halis gelin kara. Qofka oo cuno baruur faro badan oo dux leh (fats) ayaa ah mid sababi karta caafimaad darro laakiin inta badan ah khudrad ayaa dhinaca kale caawin karta caafimaadka jidhkaaga. Guud ahaan raashinka uu ku yar yahay duxda baruurta ayaa ah mid ku haboon in lagaga hor tago cudurada wadnaha ku dhaca, dux aan waxyeelo u lahayd wadnaha ayaa laga helaa khudrada iyo kalluunka. Raashinka laga helo carbon hydrate-ka oo uu qofku ka cuno qiyaas ayaa qofka ka caawin karta inaan miisaanka jidhkiisu ama kordhin ama haddii uu aad u sareeyay miisaanka jidhkiisu hoos u soo celin karta meel aan keenayn dhibaato caafimaadkiisa.

Saynisyahanada dunida ayaa in badan tuhunsanaa in uu jidhka dadku leeyahay miisaan dabiici ah dhinaca tamarta raashinka uu cuno iyo awooda uu jidhku ku gubo raashinka isagoo qofku uu sameynayo dhaqdhaqaaq shaqo si uu jidhku si haboon ugu shaqeeyo. Laakiin waxaa iyadu arrin gaara ah sida uu jidhku u adeegsado si uu ta karboon-haydaraytka ugu adeegsado inuu u badelo kayd wixii ka soo hadha inta uu jidhku isticmaalay.

Miisaanka buurida jidhka dadka ee qayru Xadka ah waxaa loo yaqaan (obesity),  mararka qaar arrintan waxaa sabab u ah hido sidaha qofka (Gene). Wadanka Maraykanka 35% dadka waaweyn waxaa ku dhacay xad dhaaf miisaanka jidhka ee qofka caadiga ahi 26% dadka waaweyn ee Maraykanka waxay leeyihiin heerka uu miisaanka jidhka ee aad u sareeya uu xanuunka noqdo (Obese), arrimaha oo kordhiyay cudurada macaanka, wadne xanuunka iyo Faaliga/dhinac qalalka, ku dhaca dadka Maraykanka ah dhinaca Somaliland noloshii hore ee dadka oo u badnayd reer miyi iyo beeralay ay dadku qabtaan shaqooyin badan. Waxaa jirtay in aan lagu aqoon cuduro badan oo maanta ku caan ah magaalooyinka Somaliland sida macaanka, dhiig-karka faaliga, wadne xanuunka iyo buurnida xad-dhaafka ah oo inta badan aan ku caan ahayn nolosha miyiga dhaqanka magaalo ee xiligan Somaliland ayaa  ah mid ay aad uga dhex muuqdaan cuduradaa aynu xusnay dhinaca haweenka waxaa ka baxay shaqooyin lahaa jimicsi jidh oo caafimaad leh sida tumistii midhaha ee mooyaha ridqidii  midxinka ee qooshka iyo adeegii guri oo inta badan loo adeegsado shaqaale.

Dhinaca raga howlqabad raga Somaliland ee nolosha miyiga oo marka horeba ka yaraa ka haweenka ayaa haddana nolosha magaalo ay sii yareysay, dhinaca gaadiidka baabuurta ee la raaco ayaa saaray dhaqankii socodka oo si dadban ugu ahaa reer Somaliland jimicsi.

Dhalaanka Somaliland intooda badan oon helin raashin dheeli tiran ayaa ah kuwo iyagu sameeya jimicsi fara badan iyo ciyaaro taasoo miisaankooda hoos u dhigta.

Dhinaca kale qorsha la’aanta talo gal ee dawladaha hoose ee dhinaca garoomada ciyaaraha ee xaafadaha magaalooyinka Somaliland oo aad u liita ayaa ah mid hoos u dhigaysa fursadaha garoomada ciyaaraha ee dhiiri gelin kara dhalinta dhalanka iyo Carruurta.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Haddii Weftiga Salaadiintu Ay Gobolka Sool U Soo Qarameeyaan Somaliland Waa Guul Ictiraafkeeni Karta Laakiin Tartanka Asxaabtu Ma Keenayo Ictiraaf

Qaab dhismeedkeena bulsheed ee u yaal qaabka beeleed ee deegaamada iyo gobolada kala duwan ku kala nool ayaa sahlaya in xubnaha salaadiinta ah ee gobolka sool booqashada ku jooga ay yeeshaan muhiimada weyn ee weftigaasi loo xilsaaray lagana sugayo.

Waxaynu dhammaanteen wada ognahay in maanta gobolka sool Shacbiga ku nool aanu goobtooda joogin maamulka dowladeed oo nabad gelyadooda la sugo, arrimahoodana u xilsaaran balse maamulka keliya ee ka jira halkaas uguna awoodda bdani uu yahay nidaamka dhaqanka ee ay gudoomiyaan garaadada, iyo suldaanada ee ay Shacbiga gobolka degani u hogaansan yihiin.

Nasiib wanaag gobolka sool oo ay ka jiraan qab-qablayaal dagaal oo Shacbiga xuurto ku haysta iyo waxa xisbiyada siyaasada loogu yeedho oo aan waxba waligood ku heshiin karayn kuwa u dhashayna ay Shacbiga sool ay ugu maqan yihiin abaabulyaal dagaal sida xamar iyo xisbiyo Siyaasadeed sida meelaha kale ayaa fursad weyn siinaysa xubnaha salaadiinta ee halkaas u qalab qaatay si ay is-afgarad iyo guul u la gaadhaan Ragga Madaxda ah ee dhigooda ah ee sool ku sugan.

Arrinta lama dhaafaanka ah ee guusha Somaliland ku xidhan tahay duniduna ku tixgelin karto waxa weeye in dalka Somaliland xuduudihiisa oo dhan uu gaadho maamulku, waliba qaabka ugu haboon oo ah sifo nabadgelyo, in maamulka loogu fidin karo ayaa ah inay salaadiintu waajahaan iyo inay kala xaajoodaan wixii danta bulshadu ku jirto iyagoo wax kasta bud-dhig uga dhigaya garwaaqsashada kaalinta weyn ee salaadiinta Somaliland ay ku leeyihiin qarankooda.

Suldaanadu iyaga ayaa ahaa dawladihii xukumi jiray Shacbiga ka hor gumaystihii Ingiriiska, suldaan kasta waxa caleema saari jiray beesha ay ka dhasheen.

Saldanadihii ugu horeeyay ee ka hana qaaday gayigeena  magaca iyo awooda badana ku yeeshay waxa ka mid ahaa saldanadaha ay ka soo jeedaan Garaad C/qani, Sul Maxamed suldaan C/qaadir, Sul Maxamed sul. Xirsi qani, sul. Cabdilaaahi suldaan cali iyo kuwo kale oo badan.

Maanta oo ay ku kulansan yihiin madaxdii saldanadahaasi Laas-caanood waxaan ka filayaa rajo weyn oo la mid ah tii aan ka fili lahaa haddii uu madaxweynaha Somaliland booqan lahaa, ama xal qaran oo ka weyn haddii Madaxda xisbiyada Somaliland ay tagi lahaayeen gobolka sool.

Cali Dool Axmed (Cali-Qoryoolay)

Hogaamiye Waa Kuma?

Jagooyinka sare ee hayadaha iyo shirkadaha waxaa looga baahan yahay dad karti lehoo u qalma inay jagooyinkaa qabtaan.

Nin agaasime guud ka ahaa shirkad ganacsi oo maraykan ah ayaa tilmaan ka bixiyay hawlaha maamulka waxaanu yidhi:- “hogaamiyaha fuliyaha ahi waa inuu karti u leeyahay wax barida dadka kale, waa inuu awoodi karo inuu shaqaalihiisa u qeexo jid cad oo uu ku muujiyo dhammaan shaqada hayadaha iyo siyaasadeeda iyo kaalinta ay kaga jiraan arrimaha la fulinaayo, taasina waxay u suuroobi kartaa inuu isaga laftiisa aqoon dheer u yeesho arrimo badan oo ka baxsan shaqadiisa iyo inuu aad u yaqaano shaqaalaha uu Madaxda u yahay iyo heerka ay kala joogaan xaga aqoonta kartida iwm, waxyaalaha ay hibada u leeyihiin qaarkood iyo qof kasta hawsha uu ku fiican yahay si gacan loogu siiyo waxay higsanayaan hayaduna uga faa’iidaysto.”

Hogaamiyaha nin kartiyeedka ahi waa ninka ka shaqeeya inuu ka dhigo shaqaalihiisa koox midaysan oo si iskaashi ah u wada shaqaynaysa oo isxurmaynaya, sida lagu gaadhi karo guushaana waa in si cadaalad ah loogu simo fursadaha tababarada iyo aqoon korodhsiga, oon laga xulan kuwa qaraabada iyo saaxiibada siyaasada oo kaliya, haddii aad qaarkood u fidiso kaalmo aanay mutaysan oo loogu qaraabo kiilay ogow waxaa kacaya kuwa asaagooda ah oo uur xumo ay ku abuurayso, waxaanay tirsanayaan dulmi iyo cadaalad darro. Sidaa darteed hogaamiyaha doonaya inuu guul dhaliyo waxaa waajib ku ah inuu dhex dhexaad u ahaado shaqaalihiisa fursadaha tababarada iyo dalacaadana u simo, waa inuu u dhug lahaado in eexda iyo nin jeclaysigu shaqaalaha qalbi jabinayaan.

Nin madax ka ahaa shirkad ku taala Taxes oo ka mid ah dalka Maraykanka ayaa u baahday nin kaaliye uga noqda dhawr gobol, waxaa isku waday jagadaas nin maamule ka ahaa gobol, waxaase loo magacaabay nin kale oon la filayn, markaa si loogu cadeeyo sababta ninka kale ku mutaystay isaguna ku waayay wuxuu u yeedhay madaxdii shirkada ninkii maamulaha ahaa waxaanu ku yidhi:- “waan ka warqabaa inaad cadaalad daro iga tirsanayso markii nin kale loo magacaabay jagadii aad filaysay, waxaan kula socodsiinayaa in looga baahnaa jagadaas nin la macaamiloon kara dad kala duwan sida ganacsatada, agaasimayaasha wax iibka degmooyinka iyo gobolada, waxaana shardi ah inuu aqoon fiican u leeyahay wax iibka, isla markaana waa inuu karti u leeyahay layliga iyo barbaarinta dadka kale oo uu u soo saari karo hayadaha dad wax tar ah oo horumariya si aanay hayad kale noo dhaafin.

Adigu waad ku fiican tahay shaqadaada, laakiin markii lagu noqday heshiisyadii wax iibka ee aad fulisay intooda badan adiga sameeyay inta yar ee soo hadhayna waxaa sameeyay saddex nin ood ka dooratay ragaasi shaqaalahaaga intoodii kalena waad gacan bidixaysay, waxtarkoodiina hoos buu u dhacay sidaa darteed haddii aad damacsantahay dalacaad u barbaari shaqaalahaaga hawlaha kala duwan.

Waxaa nagu waajib ah inaan jagooyinka muhiimka ah u dhiibno dadka ugu karti iyo waxqabad badan si loo soo hooyo guul wax ku ool ah.

Adigu hal qof baad tahay oo wax walba ma qaban kartid, markaa waa inaad diyaarisid dadkii wax kula qaban lahaa, waa intaas gafka uu sameeyay maamulihii oo uu kuwaayay sadkordhintii, wuxuu khayr moodayay ayaa khasaare u soo jiiday, Maxaa yeelay wuxuu isku dayay inuu shaqadiisii iyo shaqadii dadka kale kalaba kaligii qabto, wuxuu u qaatay haddii isagu ku ekaado hawlgelinta, shaqaalaha uu Madaxda u yahay.

Iyo tababarkooda si ay shaqada toos ugu fuliyaan inay isaga nacasnimo ku tahay. Waxaase loo baahnaa inuu xog-ogaado in shaqada madaxdu tahay hawlgelin ta shaqaalaha, isku duwida shaqada iyo kormeerida habsami u socodka shaqada haddiise maamuluhu uu qabto shaqadii dadka uu Madaxda u yahay waxaa baylahaysa shaqadiisii, waxaa lagu matalaa ninka caykaas ah geed weyn oo hoos ballaadhan leh laakiinse aan ogolayn in geedo kale hoostiisa kasoo baxaan.

Hogaamiyaha guusha dhalinayaa waa inuu u hanqal taago jagooyinka sare, jagadiisana uu u diyaariyo una barbaariyo dad xul ah oo xirfad iyo xigmadi ka dambayso haddiise uu isku gudbo oo hore u socod noqon waayo way jiidhi doonaan oo iyagaa hore u socon doona, hogaamiyaha karti laawaha ahna meeshiisay kaga tagi doonaan.

Hadal iyo murti Hogaamiyaha maamulku waxay u baahan tahay jajabnaan ninka hogaamiyaha ahi waa inuu ahaado nin dhug leh oo foojigan isla markaana waa inuu yahay nin hawsha u jajaban oo kiil kasta buuxin kara, sidoo kale waa inaanu noqon, nin qalafsan balse waa inuu yahay nin u fara dhuudhuuban xamilka culayska hogaamintu leedahay suurtagalna maaha in qofkastaa, hogaamiye noqdo. Maxaa yeelay rabigii dadka abuurtay wuxuu kala siiyay adoomihiisa kartiyo kala duwan, jago kastaana waxay u baahan tahay nin u qalma fulinteeda in loo dhiibo (right man to the right position)

Maxamed Ibraahim Sagax. Hargeysa.

Labaddaa Fikradooda Keebaa Sax Ah?

Mawduuca waxa aan uga jeedaa aragtiyo kala duwan oo aan ka arkay hab maamulka Wasaaradda.

Waxa jirtay in xaflad lagu qabtay Hotel Maansoor laguna xidhayay siminaar loo qabtay dhalinyaro ka kala socotay ururada dhalinyarada ee Somaliland.

Waxaa jirtay, laba urur oo kala ah UMAD iyo UCID gudoomiyaashoodu in ay doonayeen in ay munaasibaadaa hadal uga jeediyaan ciyaartoyda, hase yeeshee agaasimaha guud ee Wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga ayaa u diiday inay ka jeediyaan khudbad siyaasad ku lug leh, taas oo uu sheegay in ay sharciga ciyaaraha ka xaaraantahay, siyaasada qabyaalada & dhaqan xumiduba. Waana tan lagala dagaalamayo ciyaartoyda inay ka waantoobaan,taasoo uu ku adkaystay agaasimaha guud ka dibna ay iska tageen in kasta oo aanay ku qanacsanayn jaraa’idkana ay kaga hadleen.

Haddaba waxa ii muuqatay in ay taasi tahay mid qeexaysa Siyaasadda ay wasaaraddu ku shaqayso, markii munaasibada abaal marino lagu siinayo ciyaartoyda muddo u tartamayay horryaalnimada kooxaha heerka labaad ah ee xidhitaan waxa hadal ka jeediyay xafladaa Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha waxa ugu dambeeyay laba madax urur siyaasaddeed oo kale kuwaas oo siyaasadii ka dhex aloosnayd asxaabta kana dhigay saaxaddii siyaasada si ay ugu beer laxawsadaan dhalinta warmoogga ah. Haddaba waxa isweydiin leh ma tii hore ee agaasimaha guud ayaa sax mise ta dambe ee Wasiirka? Labada tee sax ah? Haddaba aniga oo ka mid ah dadka ciyaaraha jecel ayaan bishan 7dii agaasimaha guud weydiiyay goorta ciyaarihii tartanka gobolada aad qabanaysaan? Waxa uu iigu jawaabay in uu Madaxweyne Rayaale noogu deeqay lacag ku filan in Kubbada cagta lagu fuliyo iyada oo hayadaha dawladuna gacan ka siinayaan inta aanu ku diyaarinayno aanay waqti idiin siin karin.

Haddaba waxa aan aad ugu farxay hadal u wasiirku ku qoray jariirada Haatuf in ciyaarihii gobolada la qaban doono bishan 19/09/02 oo Hargeysa ka dhici doonaan Inkasta oo tiraba Wasiirku jaraa’idka iyo Raadiyaha ka sheegay muddo iyo waqtiga la qabanayo, hase ahaatee waxaa aan Wasaaradda ku hambalyeynayaa dedaalka ay muujiyeen intii u dhaxaysay waraysigii agaasimaha guud iyo tan wasiirku sheegay aniga oo ku rajo wayn in aanay noqon maaweelada Carruurta sidii kuwii hore.

Ibraahim Sh. Axmed, Hargeysa