Haatuf, Cadadki 160, Sep. 16, 2002

“Isimka Waxa Xukuma Dadkiisa, Wuxuuna

Ku Khasban Yahay Meeshii Ay Dadku Rabaan”

Waraysi – Garaad C/salaan Xasan Maxamed oo ka mid ah, Garaaddada Beesha Sool

 

Laascaanood (Haatuf):- Garaad Cabdi-salaan Xasan Maxamed oo ka mid ah Isimada beesha Sool, ayaa ku tilmaamay arimaha siyaasadeed iyo nabadgelyo ee ay weftiga Salaadiintu u tageen Laascaanood tallaabo loo baahan yahay, inkasta oo uu sheegay in weftigu weli aanay soo bandhigin arrimaha siyaasadeed ee ay la socdaan.

Garaad Cabdisalaan oo dhawaan lagu caleemo-saaray tuulada God-aalo oo ka tirsan degmada Taleex, waxa waraysi kooban oo khuseeya booqashada weftiga Salaadiinta iyo aragtidiisa siyaasadeed la yeeshay weriyaha Haatuf, Liibaan Maaweel oo hadda jooga Laascaanood Sabtidii September, 14, maalintaas oo uu Garaadku gurigiisa ku marti-qaaday weftiga Salaadiinta. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

S: Weftigan aad adigu Garaad maanta marti-qaaday ee galbeed ka yimi sidee ayaad u aragtaa qorshahoodan ay la socdaan?

J: Waxaan u arkaa in ay wanaagsan tahay, waayo waxay isugu jirtaa nabad iyo siyaasad labadubana lagama maarmo, siyaasad la heli maayo haddaan nabad la helin, nabadda lafteedu siyaasad bay u baahan tahay. Arrimahaas awgeed baan u arkaa inay fiican tahay imaatinkoodu.

S: Ilaa iyo hadda maxaad qabateen madax-dhaqameedyadiina reer Sool iyo weftigan idiin yimi oo la taaban karo?

J: Wax la taaban karo oo aanu ilaa iyo hadda qabanay waxa aanu qaadnay dhinaca nabadaynta, waxa si wadajir ah loogu tegay labadii beelood ee dilku ka dhex dhacay, waxaana laga qaaday kalsooni in la dhex-dhexaadiyo. Waxa kale oo xidhiidh lala yeeshay labadii beelood ee reer Cilmi iyo Fiqi-shini. Qodobadaas ayaa laga gaadhay xagga nabad-gelyada. Xagga siyaasadda weli go’aan caadi ahi kama soo bixin weftiga oo iyaga ayaa dibu  dhigtay Weftigu, wixii iminka ka dambeeyana waa la geli doonaa.

S: Garaad adigu Garaad ahaan xagga siyaasadda maamulkee ayaad ku xidhan tahay ama taageersan tahay?

J: Isimka waxa xukuma dadkiisa, wuxuuna ku qabsan yahay meeshii ay dadkiisu rabaan in uu u raaco, haddaba mar haddii ay waayo-aragnimo hore ay ii noqotay kala qaybsanaanta isimadii hore, waxaan jeclahay in aan gaabis ka noqdo arrimaha siyaasadda.

S: Maxaad dadweynaha reer Sool kula talin lahayd ama ugu baaqi lahayd?

J: Waxaan ugu baaqi lahaa ummadda reer Sool, in ay nabadgelyada adkeeyaan, kadibna ay mawqifkooda siyaasadeed mideeyaan, iyaga oo danahooda ilaashanaya.

“Waxa Jira Dal Kale Oo Soomaaliyeed Oo Aynu Jaarnahay Oo Fantasiye Iyo Farxad Ku Soo Dhaweeyey Geerida Madaxweynaha”

Kaltuun X. Daahir

 

Hargeysa (Haatuf): Marwadii uu ka tegay Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, Marwo Kaltuun X. Daahir Cigaal, ayaa shalay soo geba-gebaysay 4 bilood iyo Toban cisho oo ay sidday Asayda ama Hangasha geeridii saygeeda.

Sida ay jidaynayso diinta Islaamku, haweenayda marka ninkeedu dhinto, waxa ay tacsida ama baroor-diiqda ku jirtaa muddo 130 maalmood ah oo ka bilaabanta maalinta geerida, iyada oo muddadaas aan loo ogolayn in ay ka baxdo guriga, ama ay bulshada dhexgasho, isla markaana waxay xidhataa dhar loo yaqaano hangal ama Asay oo aan billic lahayn, badiyaana maatow ah.

Marwo Kaltuun, Haddaba munaasibadda maalinta Asay-dhiggeeda, waxay shalay goolal geel ah u qaybisay Ciidamada Qaranka Booliska, Ciidanka Madaxtooyada, Jeelka, Xarunta Agoomaha, Cusbitaalka Guud iyo Cusbitaalka Qaaxada oo dhammaantood xarunta Hargeysa ah. Waxa kale oo ay soo saartay War-saxaafadeed ku aaddan munaasibadda hangal-dhiggeeda, kaas oo xambaarsan hambalyo, mahadnaq iyo guud ahaanba sdareenkeeda iyo xasuusta ay ku reebtay geeridii iyo aaskii Qaran ee Madaxweynihii Somaliland oo ahaa saygeeda Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.

Marwo Kaltuun, waxay qoraalkeeda ku bilowday:

“Anigoo jecel in aan ka faa’iidaysto fursaddan, kuna beegan Mawliidkii loo samaynaayay Madaxweynihii (hore), iyadoo ay ka soo wareegtay geeridiisii 130 habeen, ayaa waxaan jecelahay in aan u diro salaan iyo hambalyo Ciidamada kala duwan ee Somaliland oo had iyo goor heegan u ah difaaca jiritaanka iyo qarannimada dalka hooyo ee qaaliga inagu ah.”

Marwo Kaltuun, waxay hambalyo taas la mid ah u dirtay dadweynaha Somaliland oo ay ku bogaadisay sidii waddaniyada lahayd ee ay uga qayb-galeen Aaskii Qaran ee Madaxweynihii geeriyooday, taas oo ay sheegtay in aanay weligeed ilaawi doonin xasuusta ayay tidhi “ay qalbigayga ku reebtay dhacdadii taariikhiga iyo dhaxal-galka ahayd.” Iyadoo sheegtay in ay dhacdadaasi tahay mid baal-dahab ah ka geli doonta nolosheeda iyo taariikhda Somaliland-ba.

“Waxa xusid mudan oo aan marna la illaawi karin, sidii Somaliland daafaheeda iyo dacaladeeda-ba loogaga yimi aaskii Madaxweynaha” ayay ku tidhi warsaxaafadeedka. Sidaas darteedna, waxay salaan gaar ah u diraysaa golayaasha Qaranka (Xukuumadda, Guurtida iyo Baarlamaanka), Salaadiintii iyo Siyaasiyiintii Mucaarid iyo Muxaafid-ba aan u kala hadhin aaska iyo dhammaan duqaydii iyo waxgaradkii kale. Isla markaana waxay u mahadnaqday guddigii loo xilsaaray aaska Madaxweynihii geeriyooday. Waxa kale oo ay uga mahadnaqday siyaasiyiintii Somaliyeed ee aqoonta fiican u lahaa Marxuumka, sidii ay ra’yiga wanaagsan uga bixiyeen markii laga waraystay, iyo sidoo kale jaaliyadaha dibadda, gaar ahaan Washington, London iyo Yurub inteeda kale oo ay sheegtay in tacsi laga dhigay.

Hase yeeshee, Marwo Kaltuun, waxay war-saxaafadeedka ku xustay in mid ka mid ah dalalka Somaliland la deriska ah ee Soomaalida uu farxad iyo damaashaad kaga jawaabay geeridii Madaxweynaha, halka dal kale oo Soomaaliya ka mid ahina uu dadkiisa amray Baroor-diiq iyo quraan akhris.

War-saxaafadeedka Marwo kaltuun, daboolka kama qaadin dalka ku farxay ka uu yahay. Markase la eego war la isla dhexmaray oo soo baxay waxyar uun kadib geeridii Madaxweynaha, waxa la filayaa in ay u jeedo dalka deriska ah ee Jamhuuriyadda Djabuuti oo wakhtigaas uu aad u xumaa xidhiidhka ay la wadaagto Somaliland, waxana ay ku tidhi war-saxaafadeedka: “Waxa ah wax lala yaabo amaba kugu reeba amakaag, dal ka mid ah Soomaaliyada aynu deriska nahay oo dadweynihiisii iyo culimadiisii amar ku siiyay in ay toddoba maalmood tacsida Madaxweynahaa geeriyooday quraan looga akhriyo Masaajidada dalkaas, waxaanan leeyay walaalow “Jasaakalah kheyr.” Waxa jir dal kale oo Soomaaliyeed oo aynu jaar nahay oo fantasiye iyo farxad ku soo dhaweeyay geerida Madaxweynaha, kuna tilmaamay warlordkii ugu weynaa ee ay u taag waayeen oo dhaafay, waxaanse leeyahay geeridu waa xaq Illaahay baana keena, qofwalna way sugaysaa, laakiin marka Madaxweynihiinu dhinto ama qof kale oo mudani waanu idinla baroor-diiqi ee idinku digan mayno. Nin baana laga sheegaayey Ninkii dunida loo daynayaa haygu diirsado’e, waxaad iga dambaysaaba waa dayrta maanta ah.”

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Booqday Goobo ka Tirsan Berbera

 

Berbera (Haatuf): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mr. Axmed Yuusuf Yaasiin oo maalmahanba booqasho ku joogay magaalada Berbera ayaa maalintii shalay booqday goobo muhiim ah oo ka tirsan hay’adaha dawladda.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Berbera C/Raxmaan X. Daahir, Madaxweyne ku xigeenka oo kormeerkiisa bilaabay shalay subaxdii hore uu ka bilaabay taliska Ciidanka Ilaalada Badda oo uu saldhigoodu yahay Berbera waxaana halkaa warbixin ku siiyay saraakiisha Ciidankaasi. Ka dibna waxa uu u gudbay kastamka iyo dekeda Berbera oo ay beryahan ka socdaan hawlo lagu rogayo maraakiib iyo doonyo badeecooyin sida.

Waxaana warbixin ka siiyay hawlaha dekeda maareeyaha dekeda Inj: Cali Xoor Xoor. Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo uu booqday saldhiga dhexe ee Ciidanka booliska, wakaalada biyaha ee Berbera oo haatan ku jirta guri kiro ah iyadoo hawlo dib u dhis ahi ka socdaan iyo ceelasha biyaha laga dhaansado. Meelaha kale ee Madaxweyne ku xigeenku booqday waxa ka mid ah xarunta D/hoose ee Berbera, cusbitaalka waalida iyo cusbitaalka guud ee Berbera. Sida uu wariyahayagu soo sheegay dadweynaha Berbera ayaa meel kasta oo uu tago Madaxweyne ku xigeenku ku soo dhaweeyay iyaga oo ay rajo ku abuurtay taasoo beryaha dambe ay la niyad jabsanaayeen gaabiska ka muuqday hawlaha dawladda. Waxaanay filayaan inay booqashadan Madaxweyne ku xigeenku ay sidii hore wax ka badasho.

Baaq Ay Boorama Ka Soo

Saareen Wakiillada 8-Urur-Siyaasadeed

 

Boorama (Haatuf):- Wakiiladda 8-da urur-siyaasadeed ee mucaaradka ahi ay ku leeyihiin gobolka Awdal, ayaa Bayaan ay u dhan yihiin oo ay ka soo saareen magaalada Boorama ku sheegay in ay qaadayaan hawlgal wada-jir ah oo ay iskaga caabiyayaan ololaha ururka UDUB, isla markaana waxay baaqooda ku cambaareeyeen ururka UDUB oo ay ku eedeeyeen inuu adeegsanayo hantidii ummadda ka dhaxaysay.

Bayaankaas oo ay soo saareen wakiiladda ururada; ASAD, HORMOOD, UMAD, KULMIYE, UCID, ILAYS, BIRSOL iyo SAHAN u fadhiya magaalada Boorama, waxa uu u dhignaa sidan:

Shirkii ururada siyaasadeed ee socday muddada saddexda cisho ahayd, 09-09-02-12-09-02, ee heer gobol, shirkaas oo loo saaray guddi farsamo iyo guddi qaban-qaabo, kuwaas oo loo xil-saaray isu dubba-ridka qoraallada iyo qaban-qaabo shirweyne wacyigelin guud oo loo fidiyo dadweynaha reer Awdal oo ay ka midaysan yihiin ururadu waxay go’aamiyeen sidan;

1.       a) In si wadajir ah looga gaashaanto dhaq-dhaqaaqyada sioyaasadeed ee ururka UDUB ka wado guud ahaan gobollada dalka, gaar ahaan gobolka Awdal. Dhaq-dhaqaaqyadan oo ah kuwo kala duwan oo kenaya hagar-daamo iyo dhibaatooyin carqalado ku ah sidii doorashooyin xaq iyo xalaal ahi u qabsoomi lahaayeen.

b) Qaybsiga saamiga golaha degaanada oo ku salaysnaayeen hab beeleed, kaasi oo aan waafaqsanayn nidaamka dumuqraadiga ah ee ururada ku tartamaya hoggaaminta siyaasadda JSL, tallaabooyinkaasi waxa ay ku keenayaan bulshada iska-hor-imaad aan maanta loo baahnayn.

t) Ku takri-falka hantida ummadda awooda dawliga ah sidan:

waxa ku sugan magaalada Boorama saddex wasiir, muddo ka badan toddoba maalmood, kuwaas o si toos ah uga hawlgala xafiiska xarunta ee Ururka UDUB ku leedahay Boorama, hayana hawlgal abaabul wacyi-gelin iyo qorshaynta gaarka ah ee ururka UDUB, taas oo lid ku ah xilkii qaran ee loo xil-saaray, una hayaan ummadda reer Somaliland.

2.       In wacyi-gelin midaysan oo fagaare u qabtaan bulshada ku nool gobolka si kor loogu qaado aragtida dhabta ah ee ku salaysan tartanka doorashooyinka golayaasha degaanada.

Waxaan aragti mid ah ku qabnaa in ururka UMAD ka qayb yahay ururada siyaasadeed ee ku tartamaya hoggaaminta siyaasadda dalka.

3.       Waxaan ka xunahay dib-u-dhigista doorashooyinkii D/Hoose, Waxaanu leenahay dib-u-riixis dambe ayayna dhicin.

MAGACYADA WAKIILLADA URURADA:

1.                   Yuusuf Maal Caynaan (ASAD)

2.                   Ibraahim X. Muxumed Suldaan (UMAD)

3.                   Siciid Raydal Warsame (UCID)

4.                   Axmed Muxumed Geele (KULMIYE)

5.                   Xuseen Cumar Dhimbiil (HORMOOD)

6.                   Maxmauud Xuseen Xirsi (BIRSOL)

7.                   Cabdul-Qaadir Aadan Yuusuf (ILAYS)

8.                   Mustafe Xasan Maydhane (SAHAN).

Shir-Hawleed Lagaga Hadlayay Gudniinka Fircooniga Ah Oo Shalay La Soo Geba-Gebeeyay

 

Harg (Haatuf):- Shir-hawleed ay ka so qaybgalen hay’adaha aan dawliga ahayn ee samofalka, kuwa caalamiga ah iyo khubaro ka socda jaamacadda ugu weyn dhinaca daraasaadka Islaamka ee Al-Azhar ee dalka Masar oo laba maalmood ka socday Hotel Maansoor ayaa la soo gebogebeeyay shalay.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen wasaaradda Caafimaadka somaliland oo kaashanaysa hay’adaha UNICEF, waxa laga hadlayay sidii waddanka looga suulin lahaa caadada gudniinka fircooniga ah oo la isla qaatay inuu leeyahay dhibaato caafimaad, meelna aanu ka soo gelin diimaha Islaamka iyo kiristaankaba.

Shirka oo saddexdii biloodba mar la qabto, waxa lagu lafa-guraa marba hawlaha gudniinku halka ay maryaan, waxa qabsoomay, waxa dhimman iyo sida looga gudbi karo caqabadaha hortaagan.

Dadka shirkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Mrs Mehret oo xafiiska UNICEF ee Somaliya u qaabilsna la dagaalanka cudurada HIV/Aids iyo gudniinka fircooniga ah (FGM). Haweenaydaas oo si hagar la’aana u qaba hawsha xafiiskeeda ee khuseeya Somaliland saddexdii sannadood ee tegay, isla markaana ay hawsha ka dhigtay mid dadku leeyahay, iyo Mr. Bog, oo ah sii hayaha xafiiska UNICEF ee Hargeisa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa isaguna xidhitaanki shirka ee shalay ka hadlay, waxa kale oo joogay khabiir ku takhasusay arrimaha gudniinka haweenka, oo ah dhakhtar iyo sheekh ku xeel-dheer islaamka.

Ugu dambayntii waxa halkaa hadal ka soo jeediyay Dr. Deeq Siciid oo ah xidhiidhiyaha wasaarada Caafimaadka Somaliland ee dhinaca HIV/Aids, iyo gudniinka fircooniga ah.

Ururka Haweenka Ee NOW Oo Dalbaday In Laga Taageero Hawlaha Samafalka Dumarka

 

Harg (Haatuf):- Ururka daryeelka haweenka iyo carruurta Somaliland ee NOW, ayaa ku baaqay in taageero laga siiyo dar-dargelinta hawlaha samofalka ah ee ay dalka ka qabtaan. Sidaa waxaa shaaca ka qaaday guddoomiye ku xigeenka ururka NOW, Marwo Foosiya Cabdi Maxamed Jaambiir, oo ka hadashay xaflad ballaadhan oo shalay lagu qabtay qolka shirarka ee Radio Hargeisa.

Kulanka shalay oo ahaa kii ugu weynaa oo ay isugu yimaadaan xubnaha ururka NOW, tan iyo markii la beddelay maamulkii hore ee ururka. Waxaan goob-joog ka ahayd Marwada Madaxweynaha Somaliland, Marwo Huda Barkhad Aadan iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada somaliland oo ay ka mid tahay wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, Marwo Edna Aadan Ismaaciil.

Waxa kale oo kulankaa ka dhex-muuqday xubno badan oo ka mid ahaa aas-aasayaashii ururka, balse in muddo ah dibedda ka joogay hawlaha, kadib markii shaqooyinka lagaga eryay khilaafyo oo ka dhex aloosmay iyaga iyo Maamulka sare ee ururka NOW.

Marwo Foosiya oo sheegtay inay wakiil ka tahay Guddoomiyaha ururka, ayaa caddaysay in isbeddel cusub lagu sameeyay xubnaha ururka ee heer guddoomiye iyo guddida fulinta. Hase yeeshee, may sheegin sababta keentay isbeddelka cusub ee lagu sameeyay ururka haweenka qaranka ee NOW.

Marwo Foosiya, waxa kale oo ay ka hadashay taariikhda iyo wax-qabadka muddadii uu jiray ururka NOW, waxayna tidhi; “Ururka daryeelka iyo haweenka iyo carruurta ‘NOW’, waxaa lagu magacaabay digreeto Madaxweyne sannadkii 1997, waxaana ansixiyay golaha wasiirada.” Waxay  Marwo Foosiya intaa ku dartay oo ka hadashay wax-qabadkii ururka iyo kaalinta uu kaga beegan yahay hawlaha horumarinta dalka, isaga oo bay tidhi dhaqan-geliyay ujeedooyinkii loo aas-aasay. “Muddadii ururku jiray, wuxuu kaalin mug leh ka geystay daryeelka haweenka iyo carruurta tabaalaysan,” ayay ku dartay. Waxayna intaa raacisay oo ay sheegtay ku talogalkooda muddada dhow ee la xidhiidha wax-qabadka ururkooda. “Ujeedada aanu munaasibaddan u qabanay waa inaanu mar labaad idinka codsano taageero hiil iyo hooba leh, sidii loo dar-dargelin lahaa hawlaha, loogana midho-dhalin lahaa mashaariicda noo qorshaysan,” ayay tidhi Marwo Huda.

Waxa kale, oo xafladdaa ka hadashay agaasimaha Maamulka ururka NOW, Marwo Ismahaan Yuusuf Cali, oo tilmaamo ka bixisay sababta shirkan loo qabtay, waxayna ku sheegtay mid ay taageero dhinac walba ah u weydiisanayaan shacbiga Somaliland iyo isbarasho dhex-marta xubnaha ururka, maadaama bay tidhi isbeddel lagu sameeyay Maamulka ururka NOW.

Ururka NOW, oo maamul ahaan hoos-taga madaxtooyada Somaliland, waxaa la aas-aasay sannadkii 1997, muddadii uu jirayna waxaa si dadban u maamulaysay Marwadii Madaxweynihii geeriyooday, Kaltuun X. Daahir. Hase yeeshee, mudadaa uu jiray, waxaa lasoo dersay kala qaybsanaan weyn oo dhinaca siyaasadda ah, taas oo keentay in dibedda loo saydhiyo inta badan bud-dhigayaashii ururka NOW.

Booliska Boorama Oo 20-Dhallinyaro Ah Xabsiga U Taxaabay

 

Boorama (Haatuf):- Ciidanka Booliska ee magaalada Boorama, xarunta gobolka Awdal ee Somaliland, ayaa shalay xabsiga magaalada Boorama u taxaabay 20 (labaatan), dhallinyaro ah oo ka mid ah dhallinyarada Boorama qaarkood oo dib u soo cusboonaysiiyay gacan ka hadal dhexmari jiray kooxo dhallinyaro ah oo reer Boorama ah dhexdooda, arrintaas oo muddo joogsatay, kadib markii ay ka hawlgaleen wax-garadka, aqoonyahannada, duqayda, madaxda dhaqanka, booliska iyo Maamulka dawladda ee magaalada Boorama iyo gobolka Awdal.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Mr. Maxamed Cumar, ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Boorama uu sheegay in dhallinyaradaa xabsiga loo taxaabay shalay, kuwaas oo ay boolisku ku qab-qabteen hawlgal ammaanka lagu sugayo oo ay boolisku fuliyeen saddexdii habeen ee ugu dambeeyay.

Weriye Maxamed Cumar, wuxuu intaa ku daray in dhallinyaradaasi ay hadda isticmaalayeen iska-hor-imaadkoodan rasaas iyo qoryo fudud. Arrintan oo keentay in booliska Booarma ay qaataan tallaabo adag oo ay kaga hortagayaan waxyeelada ka iman karta gacan ka hadalka dhallinyaradan iyo adeegsiga hubkan, oo waxyeeli karta amniga magaalada Boorama.

Warkani, wuxuu intaa ku daray in dhallinta la xidh-xidhay ay da’doodu u dhaxayso 10-14 jir iyo in dhallinyarada hore uga qaybqaatay falalkan oo kale ee diiwaangashan oo hore loo ganaxaay ama laga cafiyay dembiyada ku lidka ah amniga in si gaar ah arrintooda ay boolisku u eegi doonaan.

Gacan ka hadalka kooxaysan ee qaar ka mid ah dhallinyarada Boorama kuwoodan ugu dambeeyay waxa ay sababeen dhaawac hal qof ah oo ku yimid mid ka mid ah dhallinyaradii ka qaybqaadanaysay gacan ka hadalkaa dhexmaray dhallinta Boorama ee da’doodu inta badan tahay xilligii ay ubadku waqtigooda inta badan ku qaadan lahaayeen waxbarashada.

Kulan Dhexmaray Badhasaabka

Awdal Iyo Madaxda Laamaha Dawladda

 

Boorama (Haatuf): Gudoomiyaha cusub ee G. Awdal Maxamed Sh. Cabdilaahi ayaa xarunta maamulka ee Gobolkaas ee magaalada Boorama kula shiray Madaxda laamaha dawladda ee gobolkaas.

Sida uu noo soo tebiyay weriyahayaga Gobolka Awdal Maxamed Cumar, Badhasaabka Gobolku wuxuu u soo jeediyay Madaxda hay’adaha dawladda u jooga Gobolkaasi inay joojiyaan dacwadaha ay u gudbiyaan Madaxda sare ee caasimadda jooga, haddii ay tegayaan meelo ka baxsan Gobolkana ay soo ogaysiiyaan maamulka Gobolka. Kulankas, waxa kale oo hadalo warbixin ah ka jeediyay duqa magaalada Boorama Maxamed Muuse Bahdoon.

Xaq Yaa U Leh Inay Wax Doortaan?

Faallo – Maxamed/Amiin

 

Somaliland 12kii sano ee ay jirtay waxay ku soo dhamaysatay nidaamka wax qaybsiga beelaha, kaas oo ina soo gaadhsiiyay halkaynu maanta taaganahay ee aynu ku doonayno inay doorashooyin dhacaan. Waxaa la inagu tilmaami karaa dad dawladnimada ka soo bilaabay dhaqankooda kuna guulaystay inay iswaafajiyaan nidaamkooda dhaqan iyo dawladnimada dibadda looga keenay. Dhinac kastaba 12kaa sano waxaynu gaadhnay horumar dhinacyo badan leh oo la taaban karo. Gaar ahaana dhinaca Ganacsiga gaarka ah, waxana maanta aynu maraynaa meel fiican. Balse iyadoo taasi jirto dhinaca kale, inkastoo ay wax inoo qabsoomeen haddana waxa jirta dhinacyo badan oo uu ka liito waxqabadka kuwaasoo ay ugu horeeyaan adeegyada aasaasiga ee nolosha lagama maarmaanka u ah ee ay dawladdu gacanta ku hayso waxana ka mid ah caafimaadka, Waxbarashada, iyo biyaha.

Dulucda faaladani oo ah muddadaas Somaliland jirtay xuduudaheedu way furnaayeen dhinacyada qaar. Taasina waxa ay sababtay in dalkeena kumanyaal qof oo shisheeya ahi soo galaan, oo aan xitaa tiradooda la aqoon. Dadka indha indheeya dadka shisheeyaha ah ee dalkeena ku nool waxay ku qiyaasaan in marka la qiyaaso ay kor u dhaafeen (100,000) oo qof, tiradaas oo aad u badan. Taas oo sababi karta inay iyagu mustaqbalka ka mid noqdaan muwaadiniinta, iyadoo waliba la sheegayo inay maalinba maalinta ka dambaysa ay tiradoodu sii kordhayso, mana jirto cid kaantaroosha ama xuduudaha sharci ku waydiisa, waxayna si fudud u soo galaan magaalooyinka.

Iyagoo ka dawarsada ama qabta shaqooyinka hoose sida, qodista suuliyada, dameeraha biyaha, gurista qashinka, iwm. Dadkaas oo la sheegay inay ku nool yihiin gidaarada aqalada iyagoo halkaas isku guursada kuna dhala, marka aad dadka weydiiso ciyaalka ay dadkaasi dhaleen inay dalka la leeyihiin waxay ku jawaabaan Maxaanu ku sameynaa? Waa dad Somaliland u haysta qani xataa ma garanayno inay gaajo ama colaadi waddo, markaa nabsi ka rogan mayno. Laakiin dawladay ahayd inay dadkan naga hagaajiso, oo ay sharci nooga samayso.

Sida taariikhdu sheegayso Somaliland waxa ku soo qaxay qaxooti nus malyuun gaadhaya, oo ka soo qaxay Itoobiya 1977kii xiligaas oo ay socdeen dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeeyay kuwaas oo la sheegay inay dawladii Soomaaliya ee xiligaas jirtay ay doonaysay inay ku bedesho dadka reer Somaliland. Ama ay dhex dejiso dad cusub oo daneheeda u adeega kuwaas oo markii dambe ka qayb qaatay Xasuuqii iyo dagaalkii lagu qaaday dadka reer Somaliland. Iyagoo ka mid noqday xoogii Soomaaliyeed ee loo adeegsaday burburinta dadka reer Somaliland. Dhinaca kale waxa jira dad ka yimid Soomaaliya oo iyaguna ku soo qulqulaya Somaliland dadkaas oo qaarkood ka soo carareen dagaalada Soomaaliya, iyo qaar u soo shaqo taga Somaliland. Kuwaas oo qabta shaqooyin ay wadaniyiintu qaban lahaayeen. Iyada oo maalin walba sii kordhayso tiradoodu. Qaramada midoobayna ay ku tilmaamaan (IDP), kuwaas oo ah dadka ku barakacay dalka gudihiisa.

Arrimahaasi waxay sii adkeeyeen xaaladda nolosha ee dadka reer Somaliland ee ka soo noqonaya qaxootiyadda.

Marka intaas oo dhan laga yimaado, waxa la filayaa in Somaliland, ay ka dhacaan doorashooyin, kuwaasoo la sheegay in la diiwaan gelin doono dadka xaq u leh inay wax doortaan, marka ay dhacayaan doorashooyinka Dawladaha Hoose. Sida ay u muuqatana taasi ma kala saari karto, dadka xaqa u leh inay codeeyaan iyo dadkaa aynu soo xusnay sababahan dartood.

1.       dadkani waxay si fiican u barteen qabaa’ilka Somaliland iyagoo iska sheegan kara qabiilkay doonaan, si ay fursad ugu helaan inay codeeyaan.

2.       iyagoo aan isku egnahay isku af aan ku hadlayno, taas oo aan la kala saari karin wadaniyiinta iyo dadkaa.

Haddaba marka arrimahaas la eego waxay su’aali ka taagan tahay,

Yaa xaq u leh inuu wax doorto?

Sidee loo kaantarooli karaa dadka shisheeyaha ahi in ayna codeyn?

Su’aalahaas waa qaar u yaal dadka iyo ururada doonaya inay ka qayb qaataan doorashooyinka.

Gebagebadiina Inkasta oo Wasiirka arrimaha guduhu uu sheegay in dadka shisheeyaha ahi aanay ka soo bixin guryahooda maalinta doorashooyinka. Haddana taasi ma damaanad qaadi karto sababtoo ah, dadkani lagama garan karo muwaadiniinta oo waxay noqon karaan ciday doonaan (qabiilkay doonaan). Haddaba marka la isku duubo waxaan odhan lahaa, arrimahan waa in la helo tiro sugan oo ah dadka shisheeyaha sharcina loo sameeyo intaan la gaadhin doorashooyinka, lana kaantaroolo dadka ka soo gudbaya xuduudaha dalalka aynu dariska nahay, iyo kuwa iskaga gudbaya gobolada iyo degmooyinka dalka.

Haddii aan doorashooyinka horteed taas la sameyn, waxa dhici doonta in dad aan xaq u lahayn codeeyaan taasina keento muran dhinaca, natiijada ah. Si kastaba ha ahaatee waxa la gudboon ururada siyaasada in aanay diiwaan gashan dad shisheeye ay ah, islamarkaasna dadka u sheegaan inayna shisheeyaha gacan ku siin halista kaadhka codbixinta. Dawladdana waajibkeedu waa inay kala soocaan wadaniyiinta iyo dadka soo galaytiga ah. Sharcigana la tiigsato dadka sharci darada ku jooga dalka. dadkana la diiwaan geliyo inta xaqa u leh doorashada inay codeeyaan inta ka horeysa doorashada. Xuduudahana ay laamaha Socdaalka ka hawl geliso boolis Muwaadiniin mayal adag ah.

Wiilka Uu Dhalay Sadaam Xuseen Oo Sameystay Urur Iyo Ciidamo Komaandoos Ah

 

Baqdaad (W. Wararka): War uu siiyay wakaaladaha wararka ee dunida nin hore uga tirsanaa sirdoonka Ciraaq oo hadda ka hor ka baxsaday dalka Ciraaq ayaa sheegay in wiilka uu dhalay M/weynaha Ciraaq Sadaam xuseen oo la yidhaa Uday inuu  sameystay urur ka kooban ilaa (1200) kun iyo laba boqol oo nin oo loo tababaray komaandoos. Ururka Uday Sadaam Xuseen ayaa la sheegay in lagu magacaabo Al-qarea.

Warkani wuxuu intaa ku daray  ururka Al-qarea loo aasaasay si uu u fuliyo weeraro ku lid ah, bartilmaameedyada Maraykanka ee ku yaal meelaha ay isticmaalaan Ciidamada Maraykanka iyo danaha kale ee Maraykanka.

Saraakiisha Maraykanka ee daraasadka ku sameeya arrimaha dalka Ciraaq ayaa iyagu ka bixiyay fikir kaa hore ka duwan. Howlaha uu qabto ururka Al-qarea iyo sababta uu u aasaasay Udaya Sadaam Xuseen waxayna sheegeen in ururkaas uu u aasaasay wiilka Sadaam si ay Aabihii salaan sharaf u siiyaan xiliga dabaaldegyada iyo isu soo baxyada sidaa daraadeedna u galiyay dagaalyahanadda si ay u yeeshaan foom qudha, laakiin saraakiishaas Maraykanka ahi waxay diideen rayiga ah in Al-qarea ay tahay urur hawlgalo waaweyn ka fulin kara dalalka dibadda ka ah Ciraaq. Sida uu ku waramay ninka hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Ciraaq ee hadda fakadka ku maqani iyagoo ku tilmaamay war aan dhamaystirnayn saraakiishaas Maraykanka ahi.

Duuliyayaasha Diyaaradaha Ee

Maraykanka Oo Loo Ogolaaday In Ay Hub Qaataan

 

Washington (W. Wararka): Sharci fasaxaya in duuliyayaasha diyaaradaha ee Maraykanka ay qaadan karaan hub ayaa ku guulaystay cod dhan 197 cod aqalka hoose ee mudanayaasha Maraykanka.

Dhaqan galka sharcigan ayay ansixin doonaan aqalka sare ee mudanayaasha Maraykanka ee Senate bisha soo socota iyagoo u gudbin doona inuu saxeexo Madaxweynaha Maraykanka Mr. Bush. Stephen Lucky oo ahaan jiray oo ahaan jiray duuliye cirbixiya diyaarad 747 Boeing oo hadda ah madaxa amaanka ee ururka duuliyayaasha shirkadaha diyaaradaha Maraykanka ayaa sheegay isagoo ka hadlaya sharcigan oo yidhi  “dhammaan dhinacyada siyaasadu waxay aqoonsadeen in duuliyayaashu ay u baahan yihiin inay yeeshaan awood hubka dilaaga ah kaga difaaci karaan qolka laga duuliyo diyaaradaha” (cock pit).

Fikrada ah in duuliyayaasha diyaaraduhu ay qaataan qoryaha fudud waxay ahayd mid ka jirtay Maraykanka ilaa sanadihii 1980 iyadoo ay duuliyayaasha qaarkood qaadan jireen hub si ay ugu ilaaliyaan (post). Alaabta lagu diro Isgaadhsiinta iyo in afduubka ay iskaga ilaaliyaan duuliyayaashu kagana ilaaliyaan, diyaarada iyo rakaabkeeda.

Mudanayaal ka socday xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka Barbara Boxer  oo kalifoorniya laga soo doortay iyo John Chusetts oo Massachusetts ayaa laga adkaaday olole ay doonayeen in lagu joojiyo ansixinta sharcigan hubka u fasaxaya duuliyayaasha Maraykanka. Stephen Lucky oo u hadlayay ururka duuliyayaasha ayaa sheegay in diyaaraduhu ay adkaysi u leeyihiin daloolka uu samayn karo qarax rasaasta ee ka qarxa diyaarada dhexdeed, waxaanu war arrintan ku saabsan laga soo xigtay shirkadaha sameeya diyaaradaha gaar ahaan Boeing-ta ayaa sheegay xataa qaraxyo dhacay diyaaradaha oo duulimaad ku jira aanu keenin in diyaaradahaasi ay burburaan. Duuliyayaasha waxa kale oo uu sharcigani u fasaxayaa in ay qaataan tababar isticmaalka hubka ah.

Qaar ka mid ahaa saraakiisha shirkadaha ayaa iyaguna ku dooday in aanay duuliyayaasha u wanaagsanayn in ay qaataan hub iyagoo sabab uga dhigay in duuliyaha hubku ka mashquulin doono taxadarkii dhamaystirnaa ee dhinaca duulinta wadista iyo hagista diyaarada.

…………………………………………………………………………………………………………………..

Tacsi

Cumar Maxamed Aadan Iyo Xaaskiisa, Maxamuud Maxamed Aadan, Cali Maxamed Aadan, Aadan Cabdi Aadan, Saleebaan Cabdi Aadan, Cabdi Ibraahim Aadan. Dhammaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Alla ha u naxariistee Marxuum Xasan Aw Daaahir, waxayna leeyihiin Illaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo, Marxuumkana naxariis Janno ha ka waraabiyo. Aamiin. Aamiin

 
 

……………………………………………………………………………………………………………

Amina Lawal: Gabadh Reer Nayjeeriya Ah Oo Ku Xukuman In Dhagax Lagu Dilo

 

Markii ay Aamina Lawal dabo-yaaqadii sannadkii hore ay dhashay inan, waxay filaysay inay nolosheedu wanaagsanaanayso.

Aamina Lawal oo u dhalatay Nayjeeriya, gaar ahaan gobolka Katsina ee waqooyiga Nayjeeriya, waxay soo martay laba nin oo hore, markii ay sheekaysteen.

Maxamed Yahaya, oo ay jaar yihiin, markii Lawal uuraysatay Maxamed, wuxuu ku wargeliyay inaanu ilmo uu aabo u noqdo u diyaar ahayn, laakiin markii arrinta la dhexgalay ayaa lagu xukumay inuu Maxamed Yahaya uu qaado mas’uuliyadda ilmihiisa, taas oo keentay in uu Lawal siiyo waxoogaa lacag ah xilligii ay umulaysay.

Aamina Lawal, waxay sheegtay in ay isla oggolaayeen Maxamed Yahaya in ay is-guursadaan, taas oo ay filaysay inay arrintani si farxad leh ku dhammaan doonto.

Siddeed maalmood markay umulnayd Amina Lawal ayuu Booliska Nayjeeriya ee gobolka Katsina uu xidhay iyada oo lagu eedeeyay qodob ka mid ah sharci u yaal gobolkaas oo ah inay sinnaysatay.

Daboyaaqadii bishii hore ayay maxkamaddii xukuntay diiday ambiil loo qaaday Aamina Lawal, iyada oo markay naaska ka dayso inanta ay dhashay oo loo bixiyay Wasila oo hadda toban bilood jirta in lagu fulin doono xukunka ah in dhagax lagu dilo.

Aamina Lawal saaxiibkeeda, ayaa isagana la xidhay, laakiin waxaa la sii daayay kadib markii loo baahday markhaati goob-joog ahaa markii uu sinnaysanayay.

Dawladda dhexe ee Nayjeeriya oo aan taageersanayn xeerka u gaarka ah 12 dawlad-goboleed oo Nayjeeriya ah oo muslimku u badna yahay oo qaatay shuruucda islaamka ayay xukuumaddu la safan tahay haweenaydan Aamina Lawal in aan lagu fulin xukunkaas, waxaana madaxweynaha Nayjeeriya Olusegun Obasanjo, ballan-qaaday in uu ambiil dambe u qaadi doono xukunka ku dhacay Amina Lawal.

Marka taariikhda dib loo eego dalka Sudan sannadkii 1989, markii ay xukunka qabsadeen kooxaha Islaamiga ahi, ayaa la oggolaatay in laga dhaqan-geliyo xukunka shareecada ee dilka dhagaxa loo adeegsanayo, laakiin ilaa hadda cid lagu fuliyay oo la hubaa ma jirto.

Dalka Yaman sannadkii 2000, ayaa nin lagu fuliyay dilka dhagaxa loo adeegsado, kadib markii lagu eedeeayy inuu kufsaday oo uu dilay inan uu dhalay.

Dalka Iran, ilaa sannadkii 1979, marki uu ka dhashay kacaanka Islaamiga ah, mar-mar ayaa la fuliyaa xukunkaa, sannadkii horena laba dil oo xukunkaas ah ayaa laga fuliyay Iran.

Pakistan, haweenay ayaa mar lagu xukumay in dhagax lagu dilo, laakiin ciqaabtaas markii dambe waxaa loogu beddelay sannado xadhig oo jeel ah.

Sucuudi Careebiya oo ay aad ugu badan tahay fulinta xukunada haweenka ee dhagaxa lagu dilayo, haddana sannadahan dambe ma jirto hubintii xukuno laga fuliyay. Dalka Nayjeeriya, waqooyiga dalkaas oo uu ka jiro sharciga islaamiga ahi ayaa laba haween ah lagu xukumay in lagu fuliyo xukun dhagax lagu dilo, laakiin mid ka mid ah ayaa ku guulaystay rafcaan.

MA HADHOOYINKA TAARIIKHDA

Siciid I. Guraase

Curashadii Kacaankii Faransiiska

Q: 2aad

Intiinii akhrisatay qormadeenii hore ee qormadan waxaynu kaga soo hadalnay sababihii keenay dhalashadii kacaankii faransiiska, maantana waxaynu eegaynaa sidii uu u dhashay kacaankaasi iyo saameyntii uuku yeeshay Yurub.

Markii ay xaaladii dhaqaale iyo bulsho ee faransiisku kasii dartay ayuu boqor Luwiiskii 16aad ogolaaday inay shir isugu yimaadaan golahii Qaranka ee dalkaasi kuwaasoo aan muddo shirin markii uu boqorku ku baaqay shirkaasi waxa ay dadkii isbedel doonka ahaa u arkeen inay tahay fursad ay kaga faa’iidaysan karaan fikradooda isbedel doonka ah.

Markii shirkaasi la isugu yimid ayuu khilaaf ka dhex oogmay saddexdii dabaqadood ee ayka koobnaayeen dadka faransiisku oo kala ah dabaqadihiii ashraafta iyo ragii kaniisadaha oo dhinac ah iyo bulshadii kale ee faransiiska oo dhinac ah, waxaana la isku mari waayay sida loo codaynayo oo markii hore ahayd in dabaqad waliba ay yeelato hal cod. Waxaana taa ku gacan saydhay dabaqadii matalaysay bulshada faransiiska intiisa badan, laakiin labadii dabaqadood ee haystay xukunka ayaa ku adkaystay inuu qorshuhu ahaado sidii hore. Ka dib dabaqadii bulshada faransiiska ayaa go’aansaday inay qabsadaan shir u gaar ah kaasoo ka dhacay garoon lagu ciyaaro oo u dhaw qasrigii boqorka 20/06/1789kii iyaga oo ku andacoonaya inay iyagu matalaan bulshada faransiiska inteeda badan shirkaana aanay ka tagayn ilaa ay dejiyaan dastuur kafaala qaadaya xuquuqdooda. Shirkaasina waxa lagu doortay baarlamaanka wakiil ah bulshada faransiiska.

Ka dib shirkii ayay isugu yimaadeen golahii la doortay si ay uga shiraan dastuur uu faransiisku yeesho 14kii Julay 1789kii ayay dadweyne gadoodsani qasab ku jiidheen xabsiga baasteel oo ay ku xidhnaayeen dad fara badan oo loo haystay inay taageersan yihiin fikradda isbedel doonka ah kuwaasoo ay sii daayeen, tani waxay calaamad u noqotay xorriyada iyadoo laga dhigay maalin taariikhi ah oo la xuso dhalashadii kacaankii faransiiska. Dhacdadani waxay dhiirasho ku keentay dadweynihii faransiiska guud ahaan kuwaasoo taageeray dhalashadii kacaankii faransiiska oo ay u arkeen mid ku salaysan caddaalad. Bilowgii bishii Ogost ee isla sanadkaasi ayuu golihii wadaniga ahaa ku dhawaaqay bayaanka xuquuqda bani’aadamka iyadoo meesha laga saaray xeerarkii taasi ku lidka ahaa, tanina waxay soo jiidatay qaar ka mid ah hogaamiyayaashii milatariga iyo Ciidamada oo taageeray kacaanka.

Dadweynaha faransiiska ayaa hubka qaatay si ay u difaacaan kacaanka iyo ahdaaftiisa. Muddadii uu socday shirka Golaha wadanigu ayuu boqor Luwiis isku dayay inuu xoojiyo awoodiisa, markii ay taasi u suurto geli weydayna wuxuu isku dayay inuu baxsado, balse waa la qabtay 22/06/1791 intii aanu dalka ka bixin. Sidii uu dastuurka cusubi dhigayay waxa la kala saaray awoodaha Xukuumadda, baarlamaanka, iyo maxkamadaha awooda fulinta waxaa loo daayay bqorka intii ay jirtay boqotooyadii ilaa 1792kii sanadkaasoo la qabtay doorashooyinkii ugu horeeyay ee baarlamaanka oo shirkiisii ugu horeeyay isugu yimid 21/09/1792kii markaasoo ay ku dhawaaqeen inuu faransiisku yahay jamhuuriyad lagana baxay nidaamkii boqortooyada.

Balse xukuumaddii markaa qabatay xukunku waxay noqotay mid daciif ah. Ilaa 10/11/1799kii uu inqilaab dhigay

Napoleon Bona Parte oo markii dambe noqotay inbiraadoorka faransiiska isaga oo xukunka hayay ilaa 1815kii waxaanu qaaday duulaano uu ku qaaday dalal ku yaalla yurub iyo meelo kaleba.

Sidaasi ayuu ku taabo qaaday kacaankii faransiisku oo raadayn ku yeeshay Caalamka gaar ahaana qaaradda yurub, waxaanaynu ku soo koobi karaynaa natiijooyinkii kasoo baxay kacaankii faransiiska arrimahan.

Ø         Kacaankii faransiiska waxa kasoo baxday mabda’a qowmiyadaha oo raadeeyay Yurub.

Ø         Kacaankaasi wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca yurub ama adduunkaba.

DHAMMAAD

Dimoqraadiyadda Geeska Afrika

By: Abdi Abdillahi Hassan (Mataan), Holland

 

Inkastoo macanaha erayga dimoqraadiyad dadku siyaalo kala duwan u macneeyaan haddana anigu waxaan qabaa in dimoqradiyaddu tahay dadkoo madaxdooda doorta oo wax ku yeesha go'aamada iyo talada aayahooda, sidoo kalena dabagal ama kantarool ku samayn kara in dawladdu ku dhaqmayso hab waafaqacsan sharciga iyo qawnaanka dalkaas,  oo ka shaqanaysa una tafoxay data danta guud ee igmatay bulshadaasi.  Mawduuca dimoqraadiyadda oo loo eego dhinac kala duwan waxaan u eegayaa dhinaca arrimaha bulshada.  

Dalkastoo dunida ka jiraa qaab gooniyuu ugu dhaqmaa dimocraadiyadda. Mana jiro sharci gaaroo jira oo qeexaya dimocraadiyaddu waxay tahay iyo sida loogu dhaqmaayo. Dimocraadiyaduna maaha nidaam qoran oo la qaato si loogu dhaqmo ee waa hannaan la raaco oo ku salaysan aqoonta iyo waayo aragnimada bulshadaasi leedahay. Haddii aad eegto waddamada reer galbeedka ee lagu tilmaamo inay yihiin waddamo dimoqraadi ah, haddana haddaad u fiirsato ma jiraan laba waddan oo isku sharciya ama si ugu wada dhaqma dimocraadiyadda.

Sida dadka badankiisu uyaqaanaan markay maqlaan dimocraadiyadda waxaa maskaxdooda kusoo dhacda siyaasadda ama qaabkay dawladdu u shaqayso. Laakiin dimoqraadiyadda waxaa loo eegi karaa habka hoose ka bilaabanta ficilka qofka fardiga ah, caa'iladiisa, ama guud ahaanba bulshaduu la noolyahay. Marka si kale loo dhigo dimoqraadiyaddu maaha sharciyo dawladdu samayso ee waa hab dhaqan kasoo unkama bulshada dhexdeeda. Dimoqraadiyaduna waxay ka bilaabantaa gurigaaga, jaarkaaga, dugsiga iyo degaankaad ku nooshahay. 

Haddaba dalkii la odhan jiray Somali Dimocratic Republic oo ay ku midoobeen labadii dalee ee Somaliland iyo Somaliya. Waxaad arkaysaa in Somalidu dimoqraadiyadda magaceeda ku qaadatay. Laakiin su'aashu waxay tahay in bulshada Somaliyeed ku dhisantahay nidaam dimoqraadi ah. Jawaabteeduna waa maya. Somaliduna waxay ku dhaqantaa habka qabiilka tallaabo kasta oo  muhiima oo ay qaadaysana waxay xidhiidh la leedahay habkaas qabiilka. Waayo? Qabiilka umuu korin horuuna uguu marin sida habka dimoqraadiyadda. Qabiilkana waxaa badanaa madax ka ah caaqilo iyo suldaano intooda badan aanay dadkoodu soo dooran. Laakiin martabada dhaxal ku helay. Taasoo kasoo horjeeda dimoqraadiyadda waxaana ay isku noqon karaan dabkii iyo dhagaxii Cali Sugulle yidhi layskuma dhuftee kala dhawra. 

Waxaa haboon in qofka aan lagu qiimayn qabiilkuu yahay, laakiin lagu qiimeyo shakhsiyan qofku wuxuu yahay ama yaqaan ama uu qaban karo, taas oo hadii la horumariyo habka fardiga ( individualism) iyadoo aan laga tegin habka bulshiga ah (collectevism) ee qofku ka fekeraayo kuwa kale. Hadana waxaa haboon in la dhiiri gesho habka fardiga si qofku shakhsiyan uu helo fursad uu tadaburo ama horuu ugu maro oo u koriyo aqoontiisa iyo waaya aragnimadiisa. Mar kastoo ay qofka aqoontiisa iyo dakhligiisa kordhaba waxaa sii yaraanaya baahidii uu uqabay inuu koox gaar ah sida qabiilka oo kale usamaysto oo uu cadow u arko kuwa kale.

Taasoo oo aan u arko in baahida shakhsiga oo la daryeelaa ay keenayso xasilooni iyo degaanansho, taasoo qofku aanu ubaahanayn inuu raadsado koox gaar ah oo ka tirsanaado si uu ugu gaadho maslaxaddiisa gaarka ah ee qof waliba wuxuu eeganayaa dantiisa gaar ahaaneed ee ka baaba' aysa. Taasoo aanu ku dhiiranayn inuu sameeyo dhibaato sababta xasilooni darro iyo deganaansho la'aan. 

Waxaana jira guud ahaanba qaaradda Africa dood ku saabsan sidii looga guuri lahaa habkaas qabiil oo loogu hayaami lahaa habkan cusub ee dimoqraadiyadda. Mana aha arrin sahlan oo lagu gaadhi karo muddo gaaban ee waa mid u baahan muddo fog, cilmi waayo aragnimo iyo dadaal badan.  Waxaa kaloo habboon in la sameeyo cilmibaadhis iyo doodo lagu lafaguro habka ugu habboon ee looga guuraayo nidaamkan qabiil tasoo ah in la qaado olale balaadhan oo wacyigelin oo loogu diyaargaraabaayo nidaamkan cusub.

Hannaan socodka loogu socdo dimoqraadiyadda ee geeska Afrika maaha mid hawlyar waxaana ay meelaha qaarkood ka dhalisay degganaansho darro. Degganaansho darradaas ka dhalatay dhaq dhaqaaqa dimoqraadiyadda oo ay iskaga horyimaadeen kuwo isbadal doon ka ah iyo kuwa aan rabin inay wax isbadali dhaco, waxaana u dhintay dad badan oo nafahooda u horay xorriyada iyo dimoqraadiyadda. Waxaanad moodaa inaan wali la gaadhin habkii ama nidaamkii  la rabay ee la hiigsanaayey.

Dad badanina waxay u arkaan in aanay helin dimoqraadiyadii ay ku riyoonayeen, halgankii ay soo galeen ee maal iyo nafba u hureena lagu guuldarraystay oo aanu iman wax isbadal ah oo dhacay  laakiin magacyadii madaxda sare uun isbadaleen ee aanu isbadalin nidaamkii jiray. Halgankii la galayna uu ahaa kooxo siyaasiyiin ah oo ishaya oo badhkood kursiga ka kacsanayeen kuwa kale taasoo hadda meelaha qaarkood erayga dimoqraadiyad u arki karaan hujuum iyo falsafad reer galbeedku danahoodu ku fushudaan.

Waxaana jira aqoon yahanno Afrikaana oo aaminsan in qaaradda Afrika ay adagtahay inay ka hanaqaato nidaamka dimoqraadiyadda ee ka jira Yurub iyo Amerika waayo qaab nololeedkooda ayaan u saamahayn kuna salaysan beelnimada. Waxaana muran badani ka taaganyahay habka axsaabta badan oo qabiil waliba rabo inuu yeesho xusbi siyaasadeed oo gaara, taasoo qabaa'ilkii isu badaleen ururo siyaasadeed.

Dimoqraadiyaduna waa inaanay noqon erayo macaan oo ay ku hadlaan siyaasiyiinta ama falsafad kakan oo aqoonyahanada iyo indheergaradka dabaqadda sare ee bulshada geeska Afrika ee afsomaligu ku hadashaa. Si arrintaas loo gaadhana waxaa habboon in dimoqraadiyadda dadka loo turjumo looguna sheego luqad fudud oo ay fahmi karaan oo ku qotanta fekerkooda dhaqan siyaasadeed. Haddii taas la waayana siyaasiyiinta Somaliland kama iibin karaan bulshadooda nidaamkan waxaana bulshowayntu u arki doontaa nidaamkan falsafad ay aaminsanyihiin dabaqadda sare inta kalena u arkaan hujuum ba'an. Taasoo carqalad ku noqon karta in dimoqraadiyaddu la jaanqaato dhaqanka Somalida ee ku dhisan qabiilka. Waxaanu noqon doonaa nidaamkani riyo ay ku haasawaan inta isuhaysata ama lagu tiriyo inay yihiin aqoonyahanada. Bulshaduna u aragto fikrad ay aaminsanyihiin dadka wax kusoo bartay dalal shisheeye oo maskaxda laga soo xaday. Taasoo keenta in aqoonyahannadu markay dhamaysteen waxbarashadoodii dibadda ee ay waddankoodii  ku laabtaan ay haddana mar labaad ka hulleelaan dalkoodii markay la qabsan waayaan habdhaqanka bulshadooda ee ku dhisan qaabka beelaysiga .

Cahdiyadii Somaliland Iyo Ceeryaanta Siyaasadeed

FAALLO:

Sideedaba waxaa lagu garan karaa maamul dawli ah oo ay samaysteen mujtamac ilaahay ku beeray meel inuu leeyahay hanaan ka horumara dhinacyo fara badan, ha ahaato garaadka iyo maskaxda koriinkeeda oo ah mabda,iyan midda ay beelaha caalamku isku dhaafen, ha ahaato dhaqaalaha, ha ahaato bislaan ay dadka goobtaasi ku nooli u bislaadan wada shaqayn iyo nolol kor u qaadleh oo u koraysa tallaabo tallaabo (step by step), waxaad aragta oo aad indhaha mar walba kaga bogata bulshooyinka horumaray sida ay u kala danbeeyan, taasi oo akhriste run ahaan aan odhan karo inay u sababtay inay xiddiga marris dushiisa ku sheegan inay nolol ka suuro galayso, lama yaabo markaan indhaha ku dhufto ama dhegtaydu maqasho qawaniinta caalamiga ah (international law) iyo weliba kuwa dawliga ah (governmental law) ee ay beelaha horumaray aadka u tix geliyaan, marar badan ayaa akhriste caqliga fayow waxaa isweydiin kara maxaa kelifay ama sababay inay duul weynta horumartay xukunka mar walba la door bidaan da,yar soo kacaysa, waxaase iyaduna meesha taalla oo aan ka maqnayn maxaa ku kelifa dadka lagu tilmaamo dunida seddexaad "third world" ama waa mararka qaarkood eh siday ugu yeedhan (developing countries) in ay bulshweyntoodu u horseedan in ay u taliso maskax todobaatan sanno soo shaqaynasay, xaqiiqdii markaad is barbar dhigto su,aalahaasi waxay u baahanyahiin u duurgel fara badan "analayze" iyo inaad wax ka weydiiso dadyowga aqoonta uleh cilmiyada siyaasadda, dhaqanka, iyo weliba taariikhda, akhriste run ahaantii mararka qaarkood ayaabad is odhanaysa malaha dhaqan ayey u tahay in ay labadaa bulsho ee aan kor ku soo tibaaxay u doorbidaan xukunkooda sidaasi.

MAYA! run ahaanti jawaabtu sidaasi maaha, cahdi weliba hoodadii nasiib iyo ayaankii markaad booqato library-ada waaweyn ee ay ku rasaysanyahiin buugagta wax ka qora taariikhaha umadaha ama aad si dhib yar u su,aasho professor ada wax ka dhiga qaybaha siyaasadda iyo taarikhaha ayaa waxay kuugu jawaabayaan ama aabad ka dheehan kartaaba in bulsho wal oo ilaahay adduunka dhigay soo martay marxalado kala gedisan taasi oo lahaa nimcadeeda iyo nusqaanteedaba, iyada oo ay facba faaciisa ka danbeeyey waa beelahaase ka sii hanaqaadeen halkii ay aabayashood ama awooyashood kaga tageen, waxaa sida dad fara badan oo aan hubo inay igaga aqoon badanyahiin cilmiyada taariikhda ku xardhan in qaaradaha caalamka haatan ka hogaamiya ama ka haga dhinaca siyaasadda, dhaqanka, iyo weliba dhaqaalaha, ay soo mareen heer ay xukumaan qabaa,ilo cahdigaasi oo ka caan ah qaaradda europe oo loo yaqaanay cahdigii hantigoosiga (CAPATALISM CENTURY) waxaa halkaa isku gumaaday kumanaan iyo kumanaan qabaa,ilo ah oo ku dhaqna wakhtigaasi europe galbeedkeeda iyo badhtamaheedaba, waxaa qayb qayb loo goostay dhamaanba dhulka ay ka koobantahay qaaradda europe waxaa ka tallinayey rag beeralley u farabadan kuwaaso lahaa hanti badan, iyada oo nin weliba ku ilaashanayey hantidiisa gaarka ah.

Akhirste taariikhdu isma masaxdo, cidina ma duugin karto, cahdi welibana ayaankii hooda iyo nasiibkii, hagardaamiyo xanuunkii, aan usoo dego hoosna u milicsado ujeedada qoraalkayga ama aan idhaahde faaladayda aan kolba dhinac kaga eegayo, run ahaanti waxaa igu kelifay inaan waxaas oo tusaale ah ka bixiyo waxa weeyi dhulkaygii hooyo ee aan jecla oo ku ceegaagan hadana haadamo cadawadeed, ayaa waxaa ku soo kordhay miisaan siyaasadeed oo nimcadiisa iyo nusqaantiisaba labadaba xanbaarsan, taasi oo ay ku keliftay nidaamka galbeedaysan ee ku cusub bulshaweynta reer SOMALILAND  42 jirsatay, akhriste ka soo bilaw ilaa iyo sannadahii lixdameeyadii ilaa iyo maalinkan maanta ah ee aynu naacawda macaan hadhkeeda hoos mushaxayno, dadkeenu waxaa ku soo jiray waa shacabka dahabka ah ee reer Somaliland eh jihaad farabadan (hard struggle) oo ay ku hanuuniyeen wadankooga hooyo jidkii uu qalmay, ka soo bilaw 1969 ilaa 1990 dadku may arag indhana ma saarin wax xoriyatul qawl la yidhaahdo iskaba daa hanaankan reer galbeedaysan ee loo yaqaano dimuqradiyadda eh (democracy), waxa ay u hana taagayeen oo keliya tallow mar uun maydin hadhsan hadh macaan oo xoriyadeed, balse nasiib wanaag waxaynu ognahay in tobankii sanno ee ugu danbeeyey aynu haynay jidkii dalkeena aynu ku horumarin lahayn waxaa tiraba soo maray dalkeena seddex madaxweyne oo kii ugu danbeeyey haatan xilka hayo Madaxweyn Riyaale, hadaba akhriste waxaa su,aasha meesha taalla tahay tobankii sanno ee ugu danbeysay ee dalkeenu xorta ahaa maxaa u suuro gelay maxaase aan suuro gelin ee loo baahna in la qabto? bal aynu isku dayno in aynu ka jawaabno su,aalahaasi inaga oo kaashayna mar walba taariikhda dhaw "the recent decade history" aynu u kala qaadno xukumadahii ka soo taliyey dalkeena hooyo ee Somaliland iyo mid walba wixii u suuro gallay.

CAHDIGII CABDIRAXMAAN TUUR IYO QANIINYADII QABIILKA

aan inyar dib u noqda eh, waxaa lagu jiray wakhti coladeed oo badiba dadku u hanweynayeen xoraynta dhulkooga hooyo waxaa degta qoriga ku jeeni qaarna dhalinyar badankoogu u badnaayeen ciyaalo iskuulkii u huray dhiigooga iyo naftooda macaan qaranka Somaliland, waxaa sannadahii 1990 meeyadii la wareegay xukunkii ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaliyeed ee SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali (tuur) oo noqday hogaamiyaha cusub ee ururka isaga oo xilka kala wareegay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) wuxuu cabdiraxmaan Tuur ku guulaystay inuu isku keeno habeeyo ciidamadeedii halyeeyada ahaa  ee SNM wuxuuna horaantii sannadkii 1990 kiiba cagta dhulka u saaray ciidamadii SNM inay gacanta ku dhigaan dhamaanba geyigii dhulkaaga hooyo ee ay duurka ugu jireen tobanaanka sanno. waxaa lagu guulaystay in dhamaanba gacanta lagu dhigo lagana xoreeyo cunsurigii fashistiga ahaa ee Afweyne Barre dhamaanba dhulka Hooyo ee Somaliland.

Sannadkii 1991 ayaa sida badiba aad wada ogsoontahiin waxaa lagu qabtay shirweynahii ugu horeeyey ee ay beelweynta reer Somaliland iskugu timaado magaalada Burco oo ahayd xuduntii laga aasasay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa halkaasi lagaga dhawaaqay lasoo noqoshada iy xorriyadda jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba inaan gooni isu taagga Somaliland cidnaba gorgortan looga gelaynin, waxaa yaanan hadal idinku daalin akhristayaal eh beelahii halkaa iskugu yimid isku waafaqeen maadama uu cabdiraxmaan Tuur ka kasbaday sumcad beelaha dhexdeeda loo dhiibo xilka hogaanka dalka Somaliland laba sanno oo ku meel gaadh ah si uu dalka uga saaro dhibaatooyin aad iyo aad u farabadan oo wakhtigaasi jiray? balse su,aashu waxay noqotay maamulkii cusba ma noqday mid u qalba waxa loo igmaday, waxaa Hargeysa, Berbera, Iyo Burco ka bilaabmay qaniinyo xoogleh oo qabiileed, waxaa wadanka ka dhacay ammaan darro xoogleh oo run ahaantii ay sababtay maamul xumada halkaasi ka jirtay, Hargeysa oo ahayd xuduntii wadanka laga hagaayey waxaa hadhka cad toogasho la isku dilayey suuqyadeeda, waxaa bilaabmay dhac iyo boob, balse waxaa markiiba la isweydiiyey taasi ma ahayd wixii laga filayey maamulka Tuur?

CAADIFADII CIGAAL IYO CADHADII CALAN CASTA

Waxaa la soo gaadhay sannadii 1993, waxaa mar labaad beelaha Somaliland oo dhami iskugu yimaadeen, Madasha Magaalada Boorame oo ah Magaalo madaxda Gobolka Awdal, oo aan odhan karo run ahaantii waa halkii laga unkay nabadda, iyo horumarka  badhkii ee Somaliland, waxaa shirkaasi lagu lafa guray waxyaabo farabadan oo ay kala tabanayeen beelweynta Somaliland, waxaa lagu soo sooryey rag farabadan oo ay siyaasadda beri hore ugu danbeysay oo aan odhan karo run ahaantii qabiilna kama maqnayn in ay xagga danbe ku wateen, balse wakhtigaasi aan idhaahde aad loogu hanweyna inay dhaami doonan maamulka Tuur inuun. ragaasi hadii aan magacyadooda qaarkood carabka ku dhufto waxay kala ahaayeen Alla naxariiste janno ha siiyo Mudane Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, Cumar Carte Qaalib, iyo rag badan oo kale oo aanan halkani magacyadooda ku soo koobi karayn waxaa la soo gaadhay goortii iyo ammintii la dooran lahaa hogaanka cusub ee dalka hagi lahaa afarta sanno ee soo socda wakhtigu waa goor barqo ah taariikhdu waa 1993 5 bishii May, waxaa isku sharaxay in la doorto Musharaxiin tirro ahaan afar nin ka koobna oo kala ahaa:-

Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa hogaamiyahii xilku ka dhamaaday, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Cumar Carte Qaalib, Iyo musharax Halac, waxaa la gaadhay goortii la tirin lahaa vote kii ay dhiibteen beelaha goobtaasi isku yimid balse waxaa halkaasi guushu ku raacday ninkii loola hanweyna oo ahaa MUDANE MAXAMED IBRAAHIM CIGAAL, Cigaal isla markiiba wuxuu la booday microphone ka wuxuuna ku tiraabay inuu dalka waxyaabo badan u qaban doono oo uu walaalayn doono umadda cadawda la dhex dhigay, run ahaantiina waxaan odhan kara waa ku guulaystay badankooda balse waxaa iyaduna meesha taalla Cigaal alla ha u naxariiste ha lahaado amaanteeda eh ma ka wada kasbaday ammaan mucaarid iyo muxaafidba? Su’aasha jawaabtu waa MAYA waxaa marlabaad la iskugu yimid Hargeysa iyada oo halkaasi sidii caadada ahayd lagu qabtay shirweynahii beelaha Somaliland waxaana halkaasi lagu gorfeeyey qodobo iyo cadawodo guud iyo shakhsiyeed oo la isku tirsanayey waxaanan odhan kara badankoodi waa la xaliyey hawlahii beelahana waa laga faraxashay waxaa marlabaad la soo gaadhay ammintii la isku diyaarin lahaa in loo tartamo hogaanka dalka ugu sareeya waxaa doorashadaasi waa 1997 eh isku soo taagay seddex nin oo  kala ahaa: Maxamed Ibraahim Cigaal alla ha unaxariiste oo ahaa hogaamiyahii dalka, Maxamed Xaashi Cilmi, iyo Saleeban Maxamuud Aadam (saleeban Gaal), waxaa halkaasi cod seddex meelodow laba meelood ahaan ah ka helay oo dib loogu dirtay isla Maxamed Ibraahim Cigaal inuu shanta sanno ee soo socda xilka hayo, hadaba akhriste waxaa xusid mudan in la sheego markii loo hambalyeynayey ee ay labadii musharax ee u hambalyeynayey Cigaal alla ha u naxariistee halkaasi ka qudbadaynayeen ayaa musharax Saleeban Maxamuud Aadan Gaal waxaa laga haya kelmado ay ka mid yahiin "Yaanay dhicin oo aan la arkin mar danbe shir toban shirgudoon leh ee ha laqabto doorasho xalaal ah oo dadku dhiibtan codkooga" balse Saleeban hadana ileen carab iyo labadiisa daan isma oga eh wuxuu ku doodayey dhawaan in habkii shirbeeleedka dib loo soo celiya.

Waxba yaanan hadal idinku daalline Cigaal wuxuu maamulka la soo gaadhay ilaa heer ay damceen hogaamiyo dhaqameedyadii qabaa,ilka xukumayey damceen in xilka ka tuuran balse sumcad iyo sharaf uu ka mudna bulshada dhexdeeda ayey u suuro geli wayday in uu ka tego. laakiin waxaa ka soo gaadhay qadarkii Eebe oo tiisi ayaa timid. waxaanan odhan kara wuxuu kasbaday Cigaal Sharafta ugu saraysa ee uu kasbado Hogaamiye bulsheed, inkasta oo aan odhan karo hadana goldalooloyin farabadani waa jireen.

Hadaba iyada oo ay sidaasi tahay ayaa waxaa indhahaga ku soo badanaya akhristayaal mudooyinkan danbe in loo ololeeyo Mudane Cumar carte Qaalib, oo ahaan jiray rug cadaa siyaasi ah oo ka dhashay mandaqada Somaliland caan aad uga ah bulshada dhexdeeda, Cumar carte wuxuu qabtay xilal farabadan oo uu u qabtay maamuladii wixii la odhan jiray Somalia ilaa uu ka gaadhay heer ra,iisal wasaare "Prime Minister" iyada oo marka dadka siyaasadda u dhuundaloola ka faaloonayaan lagu tiriyo inuu yahay nin janjeedha oo aanba toos u wada liqsanayn qaranimada iyo gooni isu taagga Somaliland, ayaa iyada oo ay sidaasi tahay hadana waxaan aad iyo aad ula yaabay oo isku kay qaban waayey laba kelmadood loo aan dadka ka daadegsanayn oo ah Dimuqradiyad ayaanu dhisanaynaa iyo Rag xukunka boqol jeer qabtay ha ku soo noqdaan, runtii waxaan filaya dadka noocaasi ku doodaya inay yahiin dad aan fahamsanayn dariiqa cad ee dimuqradiyadu qeexday waa hadii dimuqradiyad waxa loo halgamaya tahaye, Somalilander dimuqradiyaddu waa ta kala xadaysa bulshada, waa ta siisa nin wal oo Somalilander ahba xaqiisa, maaha dimuqradiyaddu mid xukunka mar walba siisa nin 70 sanno iyo inkabadanba bahasha siyaasadda ah dheelayey (Political game) waxaan odhan lahaa hadaba hadii waxa aynu u cararayna ee aynu u samaysanay boqolaalkan xusbi tahay dimuqradiyad ha dhawro shurucudeeda waxaanan ku soo gebo gebayn lahaa maqaalkaygan ama qoraalkaygan kelmad ingiriisi ah " LET US ALLOW OLD MIND TO GO AND WELCOME THE NEW ONE" oo ah aynu soo dhawayno maskaxda cusub ee la jaanqaadi karta suuqa furfuran iyo siyaasadda casriyaysan aynanu ilawno siyaasadii shaqaynaysay todobaatanka sanno iyo waxa ka badan

ALLA MAHADLEH GUUL IYO GOBOBONIMO SOMALILAND

Waxaa Diyaariyey Oo Isku Duba Riday

Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)

Karachi, Pakistan.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Xaabbaan Gurayaa Xeel Baa Ku Jirta

Marka u horeysa waxaanu si wadaniyadi ku jirto u taageersanahay socdaalada kadiska ah ee uu Madaxweyne ku xigeenka JSL Mr. Axmed Yuusuf Yaasiin sida joogtada ah ugu kala bixiyo goobaha adeegyada dawladda iyo habsami u socodka hawl qabadkooda. Taasoo aanu odhan karno waa talaabo horumar ah, waxna ka tari karta hawlaha adeega Qaranka bulshada, waxay soo dhawaysaa talaabooyinkii laga qaaday maamuladii hore ee goobaha garsoorka dalka iyo dawladaha hoose ee Hargeysa iyo Burco kuwaasoo lagu xidhiidhiyay cadaalad darro iyo musuq maasuq, marka laga reebo maamulkii hore ee dawladda hoose ee Burco, waxa la rumaysan yahay in labada goobood ee kale talaabadii isbedelka maamul ee lagu sameeyay ayka dhasheen natiijadii Socdaalka M/weyne ku xigeenka ugu kuur galay, guddigii cilad bixinta cadaalad darrada, iyo kormeerkii uu ku tagay goobti, isgoyska idaacada ee maamulkii cawl xilka lagaga qaaday.

Haddaba, markii aanu maqalnay M/weyne ku xigeenka Somaliland ayaa booqasho ku tagay gobolka Saaxil, 12kii bishan September 02 ayaa sidoo kale shacbigu wuxuu dareemay in Socdaalkiisani noqon doono mid uu wax kaga qabanayo dhaliisha maamul ee lagu xidhiidhiyo dekedda Berbera, taasoo lagu tilmaamo inay bartilmaameed u tahay musuq maasuqa, dhaqaalaha dalka curyaamiyay. Iyadoo loo arkayay inuuka jibo keeni doono baylahda dekeda Berbera, ka jirta, ayaa haddana waxaa muuqata inaan Socdaalku ahayn sidii la moodayay, dadku may garan Socdaalka Madaxweyne ku xigeenku saaxil ku tagay, waxaase la leeyahay mid shaqo maahee waa olole Siyaasadeed. Tani maaha mid maangal ku ah nidaamka dawliga ah anaguna waxaanu leenahay, kormeerka M/weyne ku xigeenku siduu doono ha ahaadee xaabaan gurayaa xeel baa ku jirta. Waxaanu ku soo gebgebaynaynaa odhaahdayada Madaxweyne ku xigeen ha ka indha qarsan, dhaliisha maamul ee dekeda Berbera, ee waa inaad ku dhiirataa.

Axmed Cali Xasan (Cawl), Cabdi Daahir Cali (Gadhay), Hargeysa.

Waa Male Gudaha Jira Sababta Aqalka Wakiiladu La Kululaaday

Marka la eego baaxada hawl galada inagu soo fool leh, koobnaanta waqtiga, suuragalinta qaneecaad midaysan oo ay gudoonsadaan dhammaan ururada hogaanka sare u tartamayaa, haday doorashadaba suura gali waydo sidii loo digo rogan lahaa iyo ugu dambayn ilaalinta dastuurka iyo diiwaan gelinta dadweynahaba oo waqtiga yar ee la haysto la gorfeeyo ayaa malaha ka intifaac badan in hogaanka sare ee dalka xukuumada oo shantii sano ee la soo dhaafay wax  la weydiin waayay laysaga qaado waqtiga sidii eedo loogu heli lahaa.

Marka Haddaba la eego waqtiga yar ee hogaanka sare ee xukuumadu adeegayay iima muuqato daaqad laga arki karayo dhaliilo ay leedahay xukuumadu. Lagumana hodmin wax qabadkooda baaxada wayn leh Xukuumaddu waxay wadaa waa arrimo muhiima u ah mujtamaca waqtigan xaadirka ah oo ay ka mid yihiin fidinta maamulka iyo joogtaynta amaanka marka layskaba ilaawo hawl maalmeedkii kale ee ay bulshada u haysay.

Waqtigan waxaa aad ugu haboon in guddiyada doorashooyinka iyo diiwaan gelinta ay si joogto ah u saarnaadaan kawaanka aqalka wakiilada lagagana baadho wixii boosatifa ah iyo wixii negative ah.

Mowliid Muuse Ibraahim (kaahin), Gebiley.

Yaa Ka War-Haya Maatadii Uu Ka Tegay Shahiid Xaamud?

Marka hore waad salaaman tihiin marwo iyo Mudanayaalba dhammaan dadka u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.

Intaas ka dib, waxaan halkan idiinku sheegayaa in Mujaahid Xaamud Ibraahim oo ku dhintay magaalada Burco Duurey maalintii taariikhdu ahayd 17 oktoobar 1984 weli la isma weydiin mujaahidkaasi wuxuu dalka ugu soo halgamay, taariikh nololeedkiisa, lamana xusin.

Sidaas awgeed, maatiddii uu ka tagayna cid ka war haysaa ma jirto, markaas soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nin dhintay Kabihiisaa dhaamma.

Intaas waxaan ku soo koobayaa wax waliba waa qadar. Ee Alle ha u naxariisto jannadiina waraabiyo dhammaan intii dhimatayba.

Sidaas waxa qoray carruurtii uu Mujaahidkaasi ka dhintay & Haweenaydiisii.

Sidaas awgeed, waxaan ku rajo weynahay inaad tixgelin doontaan qoraalkaygan kor ku xusan.

Isla markaana aad jawaab naga soo siin doontaan codsigayaga. Waxaanu shacabkayaga iyo dawladayadaba ka filaynaa gurmad dhaqso ah.

Xabiiba Axmed Dirir

Mustafe Xaamud Ibraahim

Nimco Xaamud Ibraahim

Maxamed Xaamud Ibraahim

WAADIGA CIYAARAHA

Del Piero Oo Laba Gool Guusha Bilowga Ah Ee Wareega Talyaaniga Ku Siiyay Juventus

 

Milan (Reuters): Alessandaro Del piero ayaa u dhaliyay Kooxda Juventus oo difaacanaysa horyaalka Talyaaniga ee ay haysato ciyaar dhexmartay iyaga iyo Atlanta maalintii Axadii ee shalay ee kooxaha Serie A ee Talyaaniga oo ay ku badisay 3-0.

Kooxdii Chievo ee xilli-ciyaareedkii ugu dambeeyay ahayd koox aad u ciyaar-wanaag soo bandhigtay, ayaa 3-2 kaga adkaatay Lazio, halka ay kooxaha Udinese iyo Parma ay isla dhaafi waayeen 1-1.

Ciyaarihii Sabtdiina Kooxda Roma ayaa ku wiiqantay oo shoog ka qaaday, markii ay Kooxda Bologna ay guul-darro baday oo ay kaga badisay 2-1, halka Intermilan ay ku garbisay 1-0 kooxda Torino iyo Kooxda AC Milan oo ku raaxaysatay markii ay kaga guulaysatay 3-0 kooxda Modena ee sannadkan u soo gudubtay kooxaha Serie A.

Maalamahan ugu horeeya ee wareegan ciyaaraha kooxaha heerka koowaad ee Talyaaniga Serie A, natiijooyinkii ka soo baxay waa kuwo taageeraya saadaashii hore carabka loogu hayay ee ahayd in labada dhinac ee kooxaha Milan ay noqonayaan kuwo kula tartamaya in ay ka cidhiidhsadaan ama kula tartamaan horyaalka Talyaaniga ee ay difaacanayso Kooxda Juventus, laakiin Kooxda Juventus waxay muujisay in ay weli tahay koox weli leh awood ay kaga adkaato kooxaha la tartamaya.

Weeraryahanka Faransiiska ah ee David Trezeguet oo xilli-ciyaareedkii hore ku soo biiray kooxdan Juventus ayaa ciyaaraha hadda uga fadhiya dhaawac gaadhay, waxaanu tababaraha Marcello Lippi geeyay weerarka Kooxda Marco Di Vaio. Laakiin weeraryahanka Del Piero ayaa kooxdii hormariyay, kadib markii uu daqiiqadii 27aad u dhaliyay benalti loo dhigay, markii uu khalad ka galay ciyaaryahanka Kooxda Altanta ee Luciano Zauri.

Del Piero, wuxuu u saxeexay goolkiisii labaad ee kooxdiisa ciyaartaa toddoba daqiiqo kadib goolkiisii hore, kadib markii uu si fiican u maamulay kubad uu aad uga soo shaqeeyay ciyaartoyga Pavel Nedved.

Salvatore Fresi oo bedel ku soo galay, ayaa xaqiijiyay inuu u qalmo ciyaaraha heerka koowaad ee Serie A, kadib markii uu dhammaystiray guusha kooxdiisa oo uu u dhaliyay goolkii saddexaad daqiiqadii ugu dambaysay oo uu ku dhaliyay laag toogasho ah.

Lazio oo ciyaarahan la bilowday tababaraha cusub ee Roberto Mancini, ayaa kulankii ugu horeeyay ku bilaabay dardar wanaagsan, iyadoo uu u ciyaarayay ciyaartoyga reer Argentine Diego Simeone oo u keenay daqiiqadii 50aad goolka ay kaga hormartay Chievo, kadib markii uu ku leexiyay goolka kubad uu soo karoosay ciyaartoyga Claudio Lopez goolka hortiisa. Laakiin sagaal daqiiqadood gudahood ayay Kooxda Chievo ku keentay goolkii barbar-dhaca ay kula noqonaytay, kadib markii ciyaaryahanka difaaca ka ciyaara ee Lorenzo D’Anna uu madaxa ku dhaliyay kubad koone ahayd.

Kooxda ka timid magaalada yar ee Verona ayaa hormartay shan daqiiqadood kadib, markii uu soo galay ciyaarta weeraryahanka Jarmalka ah Oliver Bierhoff, oo ku hubsaday dhammaystirka goolkii labaad ee kooxdiisa.

Ciyaaryahanka Bernardo Corradi oo hore uga soo wareegay Kooxda Chievo, ayaa ku dhalliyay kooxdiisii hore goolkii labaad ee kooxdiisa cusub, ciyaartiina waxay noqotay 2-2.

Kooxda Lazio ayaa isku dayaysay sidii ay u dhallin lahayd gool ay kaga guulaysato Kooxda Chievo, laakiin ciyaartoyga Kooxda Chievo ayaa iyaguna weerar-celin samaynayay taas oo ay ugu dambayntii u suurto galisay weerar ay qaadeen Kooxda Chievo daqiiqadii 70aad uu ciyaaryahanka Ivano Della Morte uu baas sare siiyay Fernando Couto, kubadaas oo daba-martaysay goolhayaha Lazio, Angelo Peruzzi, Sidaana ay guushu ku raacday Kooxda Chievo.

Ciyaarihii toddobaadkii ugu horeeyay ee kooxaha Serie A ee Talyaaniga natiijooyinkoodii ay u dhaceen sidan:

FIFA Oo Sugaysa Cabashada Nayjeeriya Ee Ciyaarhanka Kanu

 

Weeraryahanka Kooxda Arsenal, Kanu ayaa dhowraya bal in Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Nayjeeriya ay sameeyaan cabasho rasmiya oo ay kaga cabanayaan habsankii uu ka habsaamay ciyaarihii caalamiga ahaa ee uu dalkiisa u ciyaari lahaa.

Kanu, kamuu qayb-gelin ciyaartii dalkiisu uu la yeeshay dalka Angoola dhammaadkii toddobaadkii hore, ciyaartaas oo ka mid ahayd ciyaaraha isreeb-reebka koobka Afrika, laakiin wuxuu watay Kanu oo uu ciyaarayay ciyaarihiisii horyaalka Kooxda Arsenal oo aanu ka habsaamin.

Ururka FIFA, wuxuu ka qaadi karaa tallaabo anshax-marin ah Kanu, haddii ay u timaado cabasho cad oo lagu caddaynayo inuu ku guul daraystay inuu ka xaadiro ciyaaraha dalkiisa, iyadoo aanay jirin sabab macquul ahi, waxaanu ganaaxaasi noqon karaa ciyaaraha oo laga joojiyo ilaa shan ciyaarood.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay Afhayeen u hadlay FIFA, Mr. Andreas Herren oo uu yidhi; “Weli maanu helin cabasho rasmiya oo naga timid Nayjeeriya ilaa hadda, hadii ay nooga timaado cabasho arrintan, waxaanu ku samayn doonaa baadhitaan.”

Kanu, ayaa la sheegay inuu u waramay Wakaaladaha Wararka ee Adduunka oo uu yidhi; “Waxaan u duullay Nayjeeriya, anigoo qorshahaygu ahaa in aan helo duullimaad taga Angola, laakiin waxa dhacay dib-u-dhac suurta-gelin waayay in helo duullimaadkaas sidii aan u doonayay iyo sidii aan u doonayay, arrintaana way ogaayeen xidhiidhka Kubadda Cagta ee Nayjeeriya. Xataa waxay isku dayeen in ay iga caawiyaan, sidii aan u heli lahaa diyaarad aanu ku tago halkaa, laakiin way suurto-geli wayday, ana waxaan goostay in aan London dib ugu soo noqdo.”

Beckham Oo Doonaya Inuu Ka Baxsado Ganaax Kaga Soo Fool Leh Xidhiidhka Kubadda Cagta FA

 

David Beckham ayaan jeclaysanayn inuu ku dhaco ganaax laga yaabo inuu kaga yimaado xidhiidhka kubadda cagta oo ah, ganaax jug uu u geystay ciyaaryahanka Lee Bowyer ciyaartii lagaga badiyay Manchester United ee ay ka badisay Leeds United Sabtidii dorraad.

Kabtan Kooxda England, ayaa iska tegay digniin la’aan, kadib is-caabi dhexmaray labada ciyaartoy daqiiqadii 22aad ee ciyaartaa. Laakiin siidhi-wade Jeff Winter wuxuu u dhigay laad xor ah Boyer, hase yeeshee Xidhiidhka Kubadda Cagtu waxay sheegeen in aanay ku talo jirin in ay arrinta halkaa dhaafiyaan, waxa keliya ee jirayaa waa warbixin uu qoro Siidhi-wade oo uu sheego inuu si khalad ah u xukumay khaladkii ka dhacay ciyaartaas.

Afhayeen u hadlay FA ayaa sheegay oo yidhi “Xaqiiqo ahaan, waxaanu sugaynaa warbixinta Siidhi-wadaha ee ciyaartaas, sida ay noqoto go’aamada ka soo baxa ciyaaraha ee ay ku garsooraan siidhi-wale, waxa dhacda in haddana tallaabooyin kale laga qaado, iyadoo ciyaarta dhexdaada loogu xukumay laad xor ah ama digniin ciyaartoygii khaladka laga galay iyo kooxdiisa.”

Beckham waa ciyaartoygii labaad ee Kooxda Manchester ah ee suxul ku dhufasho ku sameeya ciyaartoy xilli-ciyaareedkan. Ciyaartoyga Roy Keane, ayaa isna sidoo kale loo saaray ciyaartii ay kooxdoodu la yeelatay Sunderland saddex wiig ka hor, taas oo lagu ganaaxay inuu ka fadhiyo ciyaaraha saddex ciyaarood.