Haatuf, Cadadki 163, Sep.20, 2002

Ergada Nabadaynta U Joogta Sool Oo Xabad-Joojin Kula Heshiisay Labadii Beelood Ee Colaaddu Ka Dhaxeysay

 

Laascaanood (Haatuf):- Weftiga ka socday madax-dhaqameedyada, mudanayaasha iyo mas’uuliyiinta ee nabadaynta u joogay gobolka Sool, ayaa shalay kula kulmay Dooxo (Waraabe ku hafey), oo 30km dhinaca bari ka xigta tuulada Adhi-Cadays ee gobolka Sool.

Weriye Liibaan Maaweel Shire oo ka soo warramayay goobta uu kulankaasi ka dhacay ayaa sheegay in beesha halkaas ay weftigu kula kulmeen ee reer Cilmi ay oggolaadeen xabbad-joojin iyo in kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen oo ay ka hadleen Isimo, Garaado, iyo madax-dhaqameedyo.

Munaasibaddaas xabbad-joojinta ah oo ay ka soo qaybgaleen, waxa ugu horrayn ka hadlay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah Garaadka beesha Ugaadhyahan ee ay ka tirsan tahay beesha reer Cilmi, wuxuuna ku bilaabay hadlkiisii; “Duco ka dib; waad aragtaan weftigaas ballaadhan ee Isimada u badan waxay ka kala yimaaden bari iyo galbeedka fogba, waa duub-cad iyo salaadiin, waa lays dilaa, waana laga heshiiyaa, haddaba nabad bay u socdaan qoladii kalena way la soo kulmeen waa Fiqishiniye, waxay kala soo kulmeen iyo waxay kala soo kulmeenba way inoo sheegayaan aynu dhegaysano.”

Garaad C/laahi Garaad Soofe, oo ka tirsan Isimada Buuhoodle, ayaa isaguna halkaas ka hadlay oo si gaara u waaniyay beesha reer Cilmi, isaga oo aad ugu dheeraaday waxa ay diinta islaamku ka qabto colaadaas.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Maxamed Kaahin Axmed oo ka tirsanaa wax-garadka la socday weftiga, wuxuuna yidhi; “Weftiga halkan maraya meelo kala fog-fog bay ka kal ayimaadeen, haddaanu reer bari nahay waanu garanaynaa labada reer ee reer Cilmi, waa Fiqishini oo la yidhaahdo reer Cilmi iyo reer-Cilmi oo ah naalaye Axmed, balse qolada galbeed ka timi waxay odhanayaan waxa isdilay Fiqishinni iyo Dhulbahante, mana ah sidaas. Reer Cilmow waxaanu ergo islaam iyo ergo tolba idiinka nahay inaad qoriga dhigtaan, nabadna nala qaadataan.”

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Jibriil Cali Saalax oo golaha wakiilada Somaliland ka tirsan, Sheekh Muuse Jaamac Goodaad iyo Xaaji Cabdi-waraabe oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland, waxay intuba sheegeen in ujeedada ay u socdaan tahay in ay nabad ka dhex-dhaliyaan labada beelood ee inta badan ay colaadu ka dhex-socotay. Iyaga beesha Fiqishini ka sida nabad, idinkana taas mid la mid ah baanu idinka rabnaa, wixii kalena waa laydiiin dhammaynayaa cid aad labadiina dhinacba ku kalsoon tihiin, ayna Isimada degaamadu ka mid yihiin, annagana haddii aad nagu darsataan iyo haddii aad kor-joogayaal naga dhigataan labadaba diyaar baanu u nahay ee ergadaas naga ajiiba.

Intaas kadib, waxa halkaas ka hadlay oday ka tirsan odayaashii beesha reer Cilmi, odaygaas oo la yidhaahdo Jaamac Cali Geele, odaygaas oo wiilkiisii, walaalkii iyo laba ilmaadeeradii ah lagu dilay colaadan. Wuxuuna yidhi; “Marka hore marti waa la soori jiray, balse idinma aanu soorin, waxaanuse idinka aqbalnay ergedinii oo nabad baanu qaadanay, weliba annagoo weftigiina iyo Dhulbahanteba wax ka sheeganayna, markaan idin leeyahay sidaasna waxaan ku hadlayaa codkii ama afkii reer Cilmi, Somaliland waanu dhaliilaynaa oo waxaanu ku dhaliilaynaa waxay baarlamaanka gelisay raggii ama ninkii Xamar rasaasta iyo hubka Fiqishinni uga soo qaadayay, waxna aanay ka qaban, Dhulbahantena waan dhaliilayaa oo Fiqishini bay dhabarka gashadeen. Haddaba xabbad-joojintii yeelnay, hase yeeshee intiinaba idinkuma kalsoonin ee yaa na dhex-dhexaadinaya annaga iyo Fiqishinni.” Intaas kadib, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa soo jeediyey inay reer ahaan dib isula noqonayaan talo oo ay soo sheegi doonaan xilliga kulanka dambe laysugu iman doono iyo madasha laysugu iman doono.

Boqor Lagu Caleemo-

Saaray Degmada Balli-Gubadle

 

Caleemo-saar lagu saaray cumaamada hoggaan-dhaqameed oo leh magaca “Boqor”, ayaa shalay ka dhacday degmada Balli-gubadle. Warkan oo uu wargeyska Haatuf soo gaadhsiiyay weriye Axmed Cali Garas (Maqalloocshe), wuxuu sheegay in xafladdaas oo ka dhacday Kayn galbeedka ka xigta magaalada Balli-gubadle ay ka soo qaybgaleen dad tiro badan oo badidoodu ka tegay magaaladan Hargeysa, iyo marti-sharaf maamuus kaga timi gobolka Awdal.

Weriye Axmed Cali Garas, wuxuu intaa ku daray in Boqorka halkaas lagu caleemo-saaray uu yahay boqor Ciise Haybe Khayre oo noqday boqorka beesha Arab.

Caleemo-saarka boqor Ciise, waxaa ka soo qaybgalay Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo wakiilka suldaan Barre X. Xuseen Caraalle oo ah Biixi Suufi Abokor, wasiiro iyo madax ka tirsan dawladda Somaliland, sida uu ku soo warramay weriye Axmed Cali Garas.

Warku wuxuu intaa ku daray in salaadiintii ka hadashay caleemo-saarka boqorku ay soo jeediyeen duco, hambalyo iyo bogaadin caleemo-saarka boqorka ah.

Marwada Madaxweynaha Mawo Huda Barkhad Oo Deeq U Fidisay Cusbitaalka Iyo Agoomaha Gebilay

 

Gebilay (Haatuf):- Marwada madaxweynaha Somaliland, Huda Barkhad Aadan, ayaa deeq isugu jirta xoolo iyo dhar guddoonsiisay xarunta agoomaha iyo cusbitaalka guud ee degmada Gebiley, oo ay shalay booqatay.

Deeqda Marwo Huda bixisay oo ka kooban 24 neef oo adhi ah iyo siddeed daaqadood oo ah maryo waaraad ah, waxay u kala qaybisay cusbitaalka iyo agoomaha, waxaana dhinac kasta la guddoonsiiyay min 12 neef iyo afar daaqadood oo maryo ah.

Sida uu ku soo warramay weriyaha Haatuf ee Gebilay Maxamed Xasan, Marwada iyo weftigeeda waxa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka degmada Xasan X. Yuusuf oo warbixin ka siiyay baahiyaha guud ahaan ka jira degmada, gaar ahaana dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

Marwo Huda, oo ujeedada socdaalkeeda lagu sheegay mid la xidhiidha casuumad sharafeed ay u fidiyeen haweenka degmada Gebilay, ayaa ka hadashay kulan ay qolka shirarka ee D/Hoose kula yeelatay madaxda degmada iyo marti-sharaf kale, waxayna ka hadashay sidii haweenku isaga kaashan lahaa daryeelka carruurta iyo haweenka tabaalaysan ee reer Somaliland, oo ay ku tilmaantay qaybta ugu jilicsan bulshada Somaliland.

Marwo Huda, waxa kale oo ay ka hadashay baahida loo qabo in haweenku ka qaybgalaan nabadgelyada iyo horumarinta caafimaadka, dhaqaalaha, iyo waxbarashada. Ugu dambayntiina waxya haweenka Gebilay ku baraarujisay inay kaalin mug leh ka qaataan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor ahi.

Ugu dambayntii, weftiga Marwadu waxay u sii gudbeen tuulada Ceel-giniiseed oo 22km waqooyi bari ka xigta degmada Gebilay, halkaas oo ay qado-sharaf ugu sameeyeen ururadas haweenka Gebilay.

Ugu dambayntiina, weftiga Marwo Huda, waxay isla galabnimadii shalay ku soo laabteen magaalada Hargeysa.

Wasiiro, Maayarka Iyo Mudanayaal Baaq U Soo Jeediyay Dadweynaha Reer Hargeysa

 

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ee Somaliland Rashiid X. C/laahi, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Axmed Yuusuf Ducaale, Duqa Caasimadda Hargeysa Axmed Maxamuud (Axmed Dheere) Mudanyaal ka tirsan golayaasha Somaliland, odayaal ka tirsan magaalada Hargeysa iyo dadweyne doora oo ah shicibka reer Hargeysa ayaa shalay ka qayb galay kulan ka dhacay fagaaraha kheyriyada ee Hargeysa oo lagaga hadlayay sidii hawl iskaa wax u qabso ah ay dadweynaha reer Hargeysa ugala qayb gali lahaayeen D/hoose ee Hargeysa, kulankaas shalay oo maalinta berrito loogu hawlgalayo kor u qaadista nadaafada Hargeysa waxay ahaayeen qaban qabo ay soo agaasintay D/hoose ee Hargeysa iyo baaq uu soo jeediyay duqa caasimadda Hargeysa Mr. Axmed Maxamuud (Axmed Dheere).

Duqa caasimada Axmed dheere waxaa uu ku sheegay hadalkii uu shalay u jeediyay dadweynaha reer Hargeysa in loo baahan yahay dadweynaha reer Hargeysa oo si iskaa wax u qabso ah kula hawl galaan D/hoose ee Hargeysa olole nadaafadeed oo dhici doona maalinta berrito, ololahaas oo ay dawladda hoose gaadiidkeeda iyo shaqaalaheeduba ka qayb gali doonaan.

Duqa Hargeysa Axmed Dheere, wuxuu intaa ku daray in ololahaas ujeedadiisu tahay si kor loogu qaado nadaafada magaalada Hargeysa oo markaa u danaynasa ka hortaga cudurada ka dhasha nadaafad darada ee halista u ah Carruurta iyo dadka kale ee ku nool Hargeysa.

Axmed Dheere wuxuu ka codsaday dadweynaha reer Hargeysa in maadaama hawsha nadaafada Hargeysa ay tahay mid aad u ballaadhan xiligana ay roobab da’ayaan qorshaha ololahaas nadaafada ee ka bilaabmaya Hargeysa berrito ayaa maalinba xaafad ka mid ah degmooyinka Hargeysa laga hawl gali doona sida uu sheegay duqa caasimadda Hargeysa markii uu la hadlayay dadweynaha fagaaraha kheyriyada ee Hargeysa.

Labada wasiir ee ka soo qayb galay kulankaa shalay ee kheyriyada Rashiid X. C/laahi iyo Axmed Yuusuf Ducaale ayaa labaduba sheegay sida loogu baahan yahay dadka reer Hargeysa sida ay mar walba lagama maarmaanka u tahay in ay ilaaliyaan kana qayb qaataan hawlaha kor u qaadaya nadaafada magaalada, ilaalinta inaanay bacdu ku fidin deegaanka iyo qofkii guri dhisanayaaba Hargeysa uu u beero geed ama laba si kor loogu qaado dhireynta.

Jeneraallada Ciidamada Maraykanka Oo Ku Sii Qulqulaya Gacanka Carabta

 

London (Reuters) – Maalintii Khamiistii ayuu Madaxweynaha Maarykanka Mr. Bush uu sheegay in uu dacsan yahay codsi inuu u gudbiyo Koongareyska Maraykanka, codsigaas oo uu kaga codsanayo inay u fasaxan inuu weerari karo Ciraaq haddii loo baahdo, waxaanu uga digay golaha Ammaanka ee Q. Midoobay inay tallaabo ka qaadaan Ciraaq, ama uu Maraykanku dhinaciisa tallaabo ka qaadi doono Ciraaq.

Tan iyo inti uu Maamulka Washington ku dooday inay Ciraaq baabi’iso hubkeeda halista ah ee Q. Midoobay, oo ay Q. Midoobayna kooxdeeda baadhista hubka halista ah in ay toddobaadyo ku qaadanayso si ay Ciraaq uga bilaabaan hawsha fatashaada hubka halista ah. Waxaa iyaguna Gacanka Carabta ku sii gurmayay Janaraalada ciidamada ee Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka, ayaa warbaahitna u sheegay oo yidhi; “Qaramada Midoobay golaheeda Ammaanku waa inuu la shaqeeyo Maraykanka iyo Ingiriiska, iyo dhinacyada kale ee arrintu khusayso oo uu dhambaal cad u diraa Ciraaq, taas oo aan ka fialyno in ay hubka ka dhigayso Sadaam Xuseen iyo haddii kale oo aanay doonayn golaha Ammaanka inay wajahaan mushkiladda, Maraykanka iyo saxiibadii ayaa fulin doona.

Yurub xubnaha Golaha Ammaanka kaga jira, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa ku kala baydhay tallaabada xigta ee laga qaadayo Ciraaq markii ay shuruud la’aan oggolaatay in kooxdii hubka halista ah ka baadhaysay dalkeeda ay dib uga bilaabaan, sii kordhinta cadaadiska la saarayo Ciraaq inay oggolaato heerka hub ka dhigisteeda ee ay doonayso Q. Midoobay ayaa keentay in saraakiisha sar-sare ee ciidamada Maraykanka ay ku shiraan dalka Kuwayt iyo dhaq-dhaqaaqii ciidamada Maraykanka ee Gacanka Carabta oo kordhay labadii maalmood ee u dambeeyay.

Ciidamada Maraykanka Oo Hub Iyo Toddoba Nin Ku Qabtay Xadka Pakistan

 

Ciidamada khaaska ah ee  Maraykanka ayaa qabtay toddoba nin oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsanaayeen dagaalyahanada ururka Daalibaan ee laga qaaday talada dalka Afqaanistaan.

Toddobada nin waxaa lagu qabtay Orgun-e oo 109 mile dhinac koonfur ka xigta Kabul, xarunta dalka Afqanistan.

Sida uu sheegay af-hayeen u hadlay ciidamada Maraykanka Kornayl Roger King, waxaa kaloo halkaa lagu qabtay qoryaha Rocket-ka, lidka diyaaradaha iyo miinooyinka la aaso, wuxuuna sarkaalkaas u hadlayay ciidamada Maraykanku jooga saldhigooda Bagram ee Afqanistan in qabashada qoryaha lidka diyaaraduhu ay tahay muhiim marka la eego sida ay diyaaradaha ugu hawlagalaan ciidamada Maraykanka ee jooga Afqaanistaan.

Mr. King, wuxuu intaak u daray in la sameeyay foojignaan iyo habab cusub oo lagu ilaalinayo ammaanka, kadib markii toddobaadkii hore lagu qabtay Kabul gaadhi ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa oo laga helay warqad sheegaysa in lagu waday saldhigga Bagram, ee ay Afqanistan ka deggan yihiin ciidamada Maraykanku.

Kornayl Roger King, wuxuu intaa raaciyay in gaadhiga lagu soo qariyay hubkaasi uu ahaa mid loo soo ekeysiiyay booyad shidaal u geynaysa xerada Bagram, taas oo ay hore uga tabaabushaysteen ciidamada halkaa deggan ee Maraykanka oo aanay booyadaha shidaalku gelin xerada Bagram, oo ay shidaalka ka qaataan dhuumo dibedda ka ah xeradaas.

Qarax Ismiidaamisa Oo

5-Qof Ku Dilay, Telaviv (Israa’iil)

 

Tel-aviv (Reuters) nin laga shakiyay inuu ahaa falastiiniyiinta isku miidaamiya Bamamka ayaa maalintii khamiistii ee shalay isku qarxiyay bas buuxay oo siday dad u dhashay Israa’iil badhtamaha magaalada Tel-aviv waxaana ku dhintay 5 qof, konton kalena way ku dhaawacmeen, qaraxan waxa ka horeeyay qarax kale oo isna maalintii Arbacadii ka dhacay Israa’iil oo lagu dilay nin ka tirsan Booliska Israa’iil, labadaa bam ayaa soo af-jaray (6) lix todobaad oo aanay dhicin wax bamam isbiimayn ahi dalka Israa’iil. Waxaa sii kordhay dhinaca Israa’iil cabsi ah inay dhacaan mawjado qaraxyo Isbiimayn ah oo lumiya rajadii laga qabay waan waanta nabadda.

Ma jirto cid si deg dega ah u sheegtay inay iyagu ka masuul ahaayeen qaraxa baskaas ee Israa’iil.

Booliska Israa’iil ayaa sheegay in qaraxa baska uu ka dambeeyay nin istaagay albaabka baska oo dibna is qarxiyay.

Dawladda Israa’iil ayaa ku eedeysay qaraxaa in ay ka dambeeyeen maamulka Falastiiniyiinta iyo Yaasir Carafaat, wuxuuna Ra’iisal wasaaraha Israa’iil uu galinkii dambe ee shalay shir la yeeshay golahiisa u qaabilsan amniga si ay uga wada tashadaan talaabadii, ay  kaga jawaabi lahaayeen qaraxyadaa isku xiga ee ka dhacay Israa’iil maalmihii Arbacadii iyo khamiistii.

Maalintii khamiistii waxay Ciidanka Israa’iil dileen wiil (10) jir ah oo u dhashay Falastiin oo ka qayb qaadanayay shiid la shiidayay Ciidamada Israa’iil ee jooga Al-Bireh oo ku taala Daanta Galbeed.

Dawladda Yemen OO Beenisay Inay Dalkeeda Joogaan Ciidamo Maraykan ahi

 

Sanca (W. Wararka) Dawladda Yemen ayaa beenisay warar maalmahanba la isla dhexmarayay oo sheegayay in ciidamo fara badan oo maraykan ahi ay dalkeeda ku sugan yihiin, kuwaasoo ku talo jira, hawl galo milatari ku qaadaan xubno ka tirsan Al-Qaacida oo ku sugan dalka Yemen.

War ka soo baxay dawladda Yemen ayaa sheegay inaanay ciidamadeeda mooyaane, ciidamo kale oo shisheeya ah u adeegsanayn la dagaalanka, haddii ay xubno Al-Qaacida ahi ku sugan yihiin dalkeeda. Afhayeen u hadlay Baarlamaanka dalka Yemen ayaa isna Sheegay inay dambi noqon doonto haddii ciidamo shisheeye loo adeegsado inay ka dagaalamaan gudaha Yemen, isagoo intaa ku daray inaanu dalkiisu u baahnayn ciidamo shisheeye oo ka difaaca Al-qaacida balse ay ciidamadoodu ku filan yihiin.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ciidamada Maraykanku isku diyaarinayaan hawl galo milatari oo ay ka fuliyaan dalka Yemen iyagoo ku daba jira xubno ka tirsan Al-Qaacida, oo soo galay dalka Yemen iyaga oo ka soo cararay dalka Afqaanistaan. Sida ay wararkaasi sheegeen markab ka mid ah kuwa dagaalka ee Maraykanka oo u socda hawlgalkani ayaa ku sii jeeda xeebaha dalka Yemen kaasoo haatan ku xidhan xeebta Djibouti.

Iftiinka Islaamka

Siciid I. Guraase

Islaamka Iyo Caddaaladda

 

Diinta Islaamku waxa ay ku salaysan tahay caddaalad iyo sinaan in lagu noolaado iyadoo la wada caabudayo Ilaah kaliya, lana wada raacayo sharci kaliya, oo ah ka uu Ilaahay soo dejiyay.

Marka caddaalada laga hadlayo waxay leedahay asal loo raaco kaasoo ah kitaabka Ilaahay iyo

Sunaha Rasuulka (csw) oo wax kasta inooga waramay. Ilaahay waxa uu Qur’aanka kariimka ah inagu faray meelo badan in aynu caddaalad samayno, kuna dhaqano caddaalad, goorkasta iyo markasta, waxaana ka mid ah aayadda uu macneheedu yahay “caddaalad sameeya taqwada sidaasaa u dhaw ama alle ka cabsiga” waxa kale oo uu Ilaahay yidhi “Ilaahay wuxuu idin farayaa caddaalad inaad samaysaan iyo samafal” ayaad kale waxa uu Ilaahay ku yidhi “caddaalad sameeya xataa haddii ay yihiin qaraabadiina” taasoo uu macneheedu yahay in caddaalad la sameeyo oo xataa aan loo eexan cidna xataa haddii ay yihiin qaraabadda.

Mar uu Ilaahay si gaara ah u tilmaamay in aanay caddaalada darro dadka ku kelifin iyagoo ka aargoosanaya cid ay col yihiin waxa uu yidhi “ayaanay colaad aad dad u haysaan idinku kelifin inaydaan caddaalad sameyn” taasoo uu macneheedu yahay inta badan waxaa dhacda haddii ay qofka col yihiin cid kale inay taasi ku kelifto inuu caddaalada ka tago oo uu isku qaado dad badana  uu xad gudub uu kula kaco.

Haddii aynu u soo leexano axaadiista Rasuulka (csw) waxa ka buuxa xadiisyo aad u badan oo uu Rasuulku kaga hadlay caddaalada uuna kaga digay xadgudubka iyo dulmiga.

Haddii aynu qaar ka mid ah soo qaadano waxa uu Rasuulku xadiis ku yidhi “ilaahay toddoba qof ayuu hadhkiisa u hadheeyaa maalinta aan hadh jirin, hadhkiisa mooyee” todobada qofna waxaa ka mida “qof madax ah oo cadaalad sameeyay, qof dhalinyaro ah oo ku barbaaray cibaadada Ilaahay, qof sadaqad bixiyay, oo aanay bidixdiisu ogayn, waxa ay midigtiisu bixinayo, qof ay indhihiisu u ooyeen cabsi Ilaahay darteed” dadkaas iyo qaar kale oo ka mid ah dadka uu Ilaahay hadhkiisa u hadheeyo maalinta qiyaamaha ee aanu hadhkale jirin hadhka Ilaahay mooyee hadh kale. Sida aynu xadiiska ku arkaynana, waxa Rasuulku ugu horeysiiyay qofka Madaxda ah u caddaalada sameeyo.

Rasuulku waxa uu aad u ilaalin jiray cadaaalada maalin uu dad u qaybiyay xoolo qaniimad ah oo ay soo furteen ayuu nin ku yidhi “Rasuulkii Ilaahayaw caddaalad umaad qaybin” markaasuu Rasuulku xanaaqay isaga oo yidhi “haddii aanay Ilaahay Rasuulkiisu caddaalad samayn ayaa caddaalad samaynaya”. Dhinaca kale waxa uu Rasuulku inooga digay caddaalad darrada iyo dulmiga waxaanu xadiis ku yidhi “ka baqda dulmiga Maxaa yeelay dulmigu waa muqdi maalinta qiyaamaha” waxa kale oo uu xadiis ku yidhi “ma garanaysaan qofka caydha ah markaasay asaxaabtii yidhaahdeen maya, Rasuulkii Ilaahayaw markaasuu yidhi qofka caydha ah ee ummaddayda ka tirsani waa qof qiyaamaha yimid isaga oo soo sameeyay salaad iyo soom badan seko badan iyo khayr balse dhinaca kale la yimid dulmi badan, isaga oo qof dhacay, qof dilay, qof caayay, marka ay qiyaamaha yimaadaan dadkii uu dulmiyay, ayaa loo qaybinayaa xasanaadkiisii uu soo shaqaystay oo dhan haddii markaa xasanaadkiisii uu dhammaado inta hadhay dadkii u dulmiyay ayaa la soo qaadaa dambigoodii oo dusha laga saaraa markaasaa naarta la geeyaa” Sidaasi waxa ay ku dhacdaa qofka dulmi ku kaca inta uu adduunyada joogo sidaa darteed waa in la iska ilaaliyaa dulmiga oo caddaalada lagu dhaqmo madax iyo shiciba. Waayo,  caddaalada qof waliba gaarkiisa ayay u saaran tahay taasoo ah in qof walba la siiyo xaqa uu leeyahay.

Imisa Qof Ayaa Maalin Walba U Dhinta Biyo La’aan

 

Biyaha la cabo ee nadiifta ah oo lagama maarmaan u ah nolosha dadka, ayaa dadka dunida ku nool ay haysataa qaarkood dhibaato weyn oo ah sidii ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah oo la cabo. Sababaha keenay biyo-yaraanta ka jirta dunida, ayaa wuxuu ku tilmaamay wargeyska ‘National Geographic’, inay yihiin biyaha oo aan si siman ugu qaybsanayn degaanada dunida, wasakhaynta ku dhacda biyaha oo keenta in aan la cabi karin biyaha qaarkood (Pollution), tartan loo tartamayo ilaha biyaha ee jira ayaa iyana ka qayb ah sababaha biyo-yaraanta.

80 dal oo dunida ah, ayaa lagaga warbixiyay inay biyo yaraani ka jirto, in ka badan hal bilyan oo qof oo ku nool dunidu, ma haystaan biyo nadiif ah oo ay cabaan.

25,000 (shan iyo labaatan kun) oo qof ayaa maalin walba u dhinta biyo yaraan, kadib marka ay ku dhacaan cuduro ka yimid biyo aan ku habboonayn cabitaan oo ay cabaan.

Peter H. Gleick oo ku takhasusay biyaha ahaa sheegay in uu qofka caadiga ahi maalintii u baahan yahay 13 galaan oo biyo ah (0.5 cubic meter).

Guud ahaan warbixinta jariidada (National Geographic), ee biyaha la cabo ee adduunku waxay ku qiyaastay in biyaha laga heli karo ee la cabi karo laga isticmaalo 2.5% (laba iyo badh), iyada oo biyo badan oo ay u baahan yihiin dadyowga adduunku ku shubmaan badaha iyo wabiyada.

Inta badan biyaha hadda laga helo dunida, waxaa isticmaala dalalka; Kanada, Maraykanka, Ustaraaliya iyo dalalka hore u maray ee Yurub.

Biyaha dunida, ayaa boqolkiiba toddobaatan (70%), loo isticmaalaa waraabinta beeraha oo lagu soo saaro cuntada la cuno ee dunida (40%). Boqolkiiba labaatan ayaa iyagana ay isticmaalaan wershaduhu. 10%, ayaa iyagana loo isticmaalaa hawlaha baahiyaha dadka ee uu cabbitaanku ku jiro.

Dalalka Afrika iyo Eeshiya, ayaa lagu qiyaasay in 50% keliya ay dadkoodu beli karaaan biyo nadiif ah oo la cabo.

Waxyaabaha yareeyay biyaha la cabo ee dunida waxaa ka mid ah wasakhaynta ka timaada nafaqaynta macmalka ah ee lagu nafaqeeyo beeraha, sunta waxyaabaha cuna beeraha tan haramaha beeraha lagu buufiyo iyo wasakhda ka timaada wershadaha birta dhalaaliya.

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Muranka Dhulka Maxaa U Sabab ah?

Waxa jirta in dhulka muranku ka taagan yahay ee dadku ay isku haystaan ay sabab u tahay maamul xumada D/hoose ee dhinaca dhulka, waayo, ma jirto wax baadhis ah oo ay sameeyaan dadka dhulka isku haysta, ma garanayo sababta ay u baadhi la’yihiin wax dhokementis ah ayayna dadka ka reebin mise waxay ku qarinayaan (xanibaad adag oo aan la garanayn cida xanibtay). Waxaad arkaysaa hal baloodh oo shan qof loo wada cashuuray, mana jiraan haba yaraatee wax raad ah oo degmooyinka yaalla oo dadka lagu kala saaraa, waxay u kala cadayn kari la’ayihiin dadkii ay dejiyeen 2000, ee qaarkood ku muransan yihiin dhulkii ladejiyay xiligaas.

Haddaba, arrintan maamul xumada ee D/hoose, waxay u sahashay dadka ku maman (ku qabso ku qadi mayside) inay fursad ka helaan dhul boobka.

Sidaas darteed, waxa lagama maarmaan ah inmaamulka D/hoose uu raad-raac u sameeyo Faylka diiwaan ee ay ka muuqdaan lahaanshiyaha dhulka si qof kasta uu u helo mulkigiisa dhul.

Xasan C/laahi Maxamed (Daacad) Hargeysa.

 

Goormay UDUB Noqotay Xisbiga Dawladda?

Laga soo bilaabo dawladdii lagu soo doortay shirkii Burco 1991kii ee uu hogaaminayay C/Raxmaan Axmed Cali (Tuur), ilaa iyo markii loogu celiyay shantii sano loogu doortay 1997kii ina Cigaal Alla ha u naxariistee, dawlad walba waxa horyaalay oo waajib ku ahaa in dastuur la diyaariyo oo axsaabna la ogolaado.

Nasiib wanaag waxa ku guulaystay in ay fusho labadii qodoba, Madaxweynihii geeriyooday.

Dabayaaqadii shantii sano ee loogu doortay dib, balse doorasho ma suurta galin.

Ururka UDUB wuxuu sharci ahaan wax walba ula siman yahay ururada kale oo dhan.

Xubnaha dawladda sida Wasiiradda gudoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka ee shaqada Qaranka hayaa waxa ka xaaraana inta ay xilka umadda sidaan in ay xubin ama qayba ka noqdaan ururada siyaasada midkoodna.

Dawladdu waxay noqonaysaa mid u dhexa ururada Siyaasadda oo sidaa ku dhawrta hantida ummadda.

Taageeradda ummadda ee loo kala tartamayo ururka u badiya ee ku guulaysta doorashada ayuu noqon doonaa xisbiga la yidhaa xisbiga dawladda.

Imika waxa muuqata in UDUB iyo dawladdu isku milmeen oo aanay kala soocnayn markaa su’aasha meesha taal, waxa weeye, Goormay UDUB noqotay xisbiga dawladda.

UDUB siday u noqon kartaa xisbiga siyaasi ah oo la tartamaya xisbiyada, ahna dawladda u dhexa oo u horseedi karaya dalka in ay doorasho xalaali ka dhacdo.

Waxaan ku talin lahaa in dawladdu noqoto mid ka gooniya oo u dhexa ururada, haddii kale dawladdu xilka ha ku wareejiso hay’addo kale oo dhex-dhexaad ah sida guddida doorashooyinka oo kale sidaa ayaynu ku gaadhi karnaa hadafka ah in aynu barano doorashooyin xalaala, oo ku dhisan caddaalad, hantida ummadduna ku badbaadi kartaa.

Xasan Axmed Yuusuf, Hargeysa.

Waddada Daami Dayaca Ka

Muuqda Iyo Dareen La’aanta Dadka

Wadooyinku waxay ka mid yihiin waaxyaha dadka u sahla nolosha, kuwaasoo haddii ay dadku waayaan ay kala kulmaan rafaad, isla markaana meesha ay doonayaan ayaa ku dheeraata, oo habeeno inloo dhaxo ku qaadata.

Haddaba haddii aan u soo noqdo maqaalkaygan oo ku saabsan wadada xaafada Daami oo ay ka muuqdaan burbur farabadan iyo godod ku yaalla wadada badhtankeeda, marka roobku da’o ayaad arkaysaa biyo dul ceegaaga wadada badhtankeeda, waxaanay xiliga habeenkii dadku kala kulmaan dhibaatooyin.

Wadada Daami waxa isticmaala basaska caasiga ah kuwa u baxa xaafada Sh, Nuur, sidaa daraadeed, waxaan u soo jeedinayaa dadweynaha degen xaafada inay iska kaashadaan dib udhiska waddadooda, oo aanay cid kale ka sugin.

Waxaanan basaska u sheegayaa inay iska xilsaaraan dib u hagaajjnta iyo dayactirka, waddada Daami . sababtoo ah

Maaha in wax walba laga sugo dawladda. Waxaana jira waxyaabo haddii laysku dayo la sameynkaro.

Tusaale ahaan waxa xaafadda degen ganacsto, gaadiidley, kala duduwan iyo waliba dad iyagu ku taageeri lahaa xoog iyo muruq, markaas gacmo wada jir bay wax ku qabtaan ee u kaca jidka oo dhisa.

Jamaal Ibraahim Maxamed (Suxufi) Hargeysa.