Haatuf News

 

Issue: 176                              Salaasa, October 8, 2002

 

 

Badheedhaha Wargeyska

Qeexid Iyo Ku Dhaqmid Bay U Baahan Tahay Xuquuqda Muwaadinku

 

 

Waa cimilo aad u kulul, degaankuna ma leh dhir iyo doog midna, dhagax-madow ayuu ahaa muuqaalka qudha ee ka jiray, waa dal ay Somaliland deris yihiin, waxaa dhib badan sida uu shaqo rasmi ah uga helo qofkii aan u dhalan, ciidamada ammaanku waxay dadka weydiiyaan sharci, cimilladiisu xilliyada inta badan waa mid ay naftu dhibsanayso kulaylka ka jira, dhul ahaan, khayraad ahaa, nolol ahaan, iyo dhaqaale ahaan intaba waxa ka wanaagsan Somaliland. Laakiin muwaadinka dalkaas u dhashay wuxuu dareensan yahay farqiga isaga iyo qofka ku nool dalkiisa u dhaxeeya. Waayo, waraaqaha dhalashada dalkaas waa qaar si adag loogu habeeyay inuu qaato qofka u dhashay oo keliya ama lagu qaato si sharci ah.

 

Marka dib loogu noqdo jilayca waraaqaha dhalashada ee sida fudud lagu qaadan karo, waxay Somaliland la wadaagtay waddankii hore la isugu odhan jiray Somaliya, taas oo sababtu ahayd ra’yigii Somali-weyn ee ay saldhigga u ahaayeen labadii dal ee midoobay (Somaliya iyo Somaliland), iyada oo la soo dhaweeynayay Somalida u dhalatay degaanada ka baxsanaa labada dal oo Somalinimadu ahayd qof waloo Somali ah meeshuu doono ha ku dhashee, in dadka u dhashay Somaliland ay qeexnaato muwaadinimadu oo ay lahaadaan xuquuq waddaninimo, waxay tahay arrin dhidibada u adkaynaysa qarinimada Somaliland, taas oo aan macnaheedu ahayn in la takoorayo in aanay Somaliland ku noolaan Karin cid aan u dhalan, laakiin micnuhu waxa weeyi in muwaadinku uu leeyahay sharci muujinaya qiimihiisa wadaninimo oo ka duwan cida dalka kula nool, laakiin aan u dhalan.

 

Arrintani waxay kale oo ay taageero iyo bartilmaameed muuqda u samaysaa qorshayaasha barnaamijyada horumarinta ee loo qabanayo dadka u dhashay waddankaas.

Waxay kale oo ay aad u taabanaysaa D/Hoose ee Somaliland in ay waajib ku tahay inay ka fikiraan qaab ka heer sarreeya kan maanta oo loo bilaabi karo qaab ka dhigi kara waraaqaha dhalashada ee Somaliland kuwo aan si fudud lagu qaadan Karin. Tusaale ahaan, haddii la bilaabi lahaa qaabka isku xidhan ee dhakhtarada iyo meelaha carruurtu ku dhashaan, booliska iyo D/hoose 11 sanadood kahore xilligii Burco lagaga dhawaaqay Somaliland, waxaa suurtogeli lahaa in qayb weyn oo ka tirsan muwaadiniinta Somaliland ee dhalatay sannadahaa gudahoodu ay leeyihiin tixraac dhalasho oo la taaban karo.

 

In waraaqaha aqoonsiga ee Somaliland si fudud loo qaadan karo, waxaa iyana sabab ka mid ah noqon karta nidaamka loo maro qaadashada waraaqahaas ee ay ku dhaqanto Somaliland, xarun midaysa guud ahaa bixinta waraaqahaas oo aan jirin marka laga reebo D/Hoose ee degmooyinka oo si gaar-gaar ah iyagu u bixiya. Haddii xataa ay dhacday oo shuruuc laga qoray mawduuca muwaadinimada Somaliland, haddana ma muuqato in la hirgeliyay nidaam uu muwaadinka reer Somaliland ka dareemo farqiga xuquuqeed ee uu kaga duwan yahay qofka aan ku dhalan Somaliland.

Laf-dhabarta qoraalkani ma aha mid dhiir-gelinaya ama wax u dhimaya wada-noolaanshaha ka dhaxeeya dadyowga adduunka, laakiin waa mid haddii loo hirgeliyo sida uu yahay oo la qeexo laguna dhaqmo xeer muujinaya xuquuqda muwaadinka Somaliland arrin tiirarka u sii adkaysa qaranimada Somaliland, dhinaca kalena jiilka soo koraya ee Somaliland ay ku barbaari karaan waddaniyad ka xoog badan tan maanta jirta. Waxaa intaa dheer in Somaliland iyo dadkeedu ay yeeshaan qiimaha qaddarinta dal iyo dadeed ee ay xaqa u leeyihiin sida dalalka iyo dadyowga kale ee ku uuman.

 

Haddii sharciga muwaadinimadu uu yahay kan siiyay kalsoonida ninka u dhashay dalka leh cimilada aan ku xusay bilowgii qoraalkan, dabcan taa (1000) laabkeed ayuu ku kordhin doonaa kalsoonida ay muwaadiniinta Somaliland u hayaan dalkooda Somaliland haddii la qeexo oo lagu dhaqmo xeer sugaya xuquuqda muwaadinka Somaliland.

 

 

Madaxweyne Rayaale Iyo Shirkad Caalami Ah Oo Ka wada Hadlay Maalgelin Shidaalka Somaliland Ah

 

“Aad Baanu Ugu Diirsanay, Markii Ay Dawladda Maraykanku Noo Ogolaatay Inaanu Maalgelino Somaliland”

 

Wefti Ka Socda Shirkada Spot International

 

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda shirkad, kuwa shidaalada iyo macaadiinta soo saara ah oo uu fadhigeedu yahay dalka Britain, waxayna weftigaasi madaxweyne Rayaale u qadimeen inay doonayaan inay maalgelin ku sameeyaan Somaliland, sidaana waxa daboolka ka qaaday war-saxaafadeed uu kulankaa ka dib soo saaray af-hayeenka madaxtooyada, Cabdi Idiris Ducaale.

 

Shirkaddan oo magaceeda la yidhaahdo “Spot International Services”, inkasta oo ay xarunteedu ku taal dalka Britain, hadana waxa la sheegay inay ka hawl galaan oo ay xarumo ku leeyihiin dalal badan oo uu Maraykanku ka mid yahay, isla markaana waxa la sheegay inay shirkadaasi ka shaqayso baadhista iyo soo saarista batroolka iyo gaaska dabiiciga ah ee ku jira beriga iyo badaha intaba, laakiin sida war-saxaafadeedka madaxtooyada ka soo baxay lagu sheegay shirkadda waxa kale oo ay shirkaddaasi danaynaysaa waxyaalo ay ka mid yihiin Sibidhka, Dhuxusha, dhagxaanta qaaliga ah iyo waxyaalo kale.

Weftigan oo ka kooban laba xubnood oo kala ah: Mr. Stephen J. Musker oo ay dhalashadiisu tahay Ingiriis iyo Mr. Faysal Kasim oo ay dhalashadiisu tahay Sucuudiyaan waxay sheegeen in xarun weyn oo ay ku leeyihiin gobolka Taxes ee dalka Maraykanka, xaruntaasina ay si gaar ah u qaabilsan tahay baadhista iyo soo saarista Batroolka iyo gaasta dabiiciga ah, sidaa darteedna waxay madaxweyne Rayaale ku war-geliyeen in maalgelinta ay doonayaan inay  Somaliland ku sameeyeen ogolaansho uga haystaan xafiiska arimaha debedda Maraykanka.

 

Sida uu war-saxaafadeedku sheegay weftigani waxay madaxweynaha u sheegeen inay aad ugu diirsadeen, ka dib markii ay ogolaansho ay Somaliland ku maalgeliyaan ka heleen wasaaradda arimaha debedda ee dawladda Maraykanka iyo weliba iyo weliba bay yidhaahdeen xogtii ay dawladda Maraykanku ka siisay xaaladda Somaliland. Sidoo kale waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin degenaanshaha iyo maamulka dawladeed iyo weliba habka dimoqraadiyadeed ee ka socda Somaliland, taas oo ay ku tilmaameen inay tusaale ku dayasho leh u noqon karo dalalka Afrika iyo weliba kuwo bariga dhexe ah bay yidhaahdeen, iyaga oo buu war-saxaafadeedku yidhi “Ku nuuxnuuxsaday in wixii ay wadankan ku arkeen ay mudan tahay in sayladaha caaamka loo bandhigo”, waxayna intaa ku dareen “Anagu waxaanu u soconaa inay maalgelintayadu noqoto mid aanu anaga iyo dalkan (Somaliland) ka faa’iidno ee aanaan noqon dad, iyagu uun faa’iidaysta oo sed-bursi qaata sida ay shirkadaha qaarkood yeelaan”. Iyadoo ay weftigani sheegeen inay maalgelintooda degdeg u bilaabayaan.

 

Madaxweyne Rayaale ayaa isna dhiniciisa weftigaa uga mahad celiyey imaatinkooda iyo danayntooda wax wada qabsi ee Somaliland, wuxuuna u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay, isla markaana ay soo dhowaynayso cidii diyaar u ah ama doonaysa inay maalgelin ku sameeyaan khayraadka dabiiciga ah ee dalka, taas oo ah inay dadka reer Somaliland iyo cidda maalgelin ku samaysa khayraadka dalka ay wada jir u manaafacaadsan doonaan.

 

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu weftigaa u xaqiijiyey inay Somaliland tixgelin ka heli doonto cidii marxaladdan wax kala qabata ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, wuxuuna weftigaa ka ballanqaaday inay dawladiisu wixii ay ku heshiiyeen ka midho-dhalinteeda dhinaceeda gacan furan kaga shaqayn doonto.

Ugu dambayn madaxweyne Rayaale waxa uu magacaabay guddi uu gudoomiye ka yahay wasiirkiisa macdanta iyo biyaha, Maxamuud Cabdi Faarax, ayna ka mid yihiin, wasiirada maaliyadda iyo ganacsiga, Maxamed Siciid Gees iyo Rashiid Xaaji C/laahi, waxaana madaxweyne Rayaale kulanka uu la yeeshay weftigaa ku weheliyey wasiirka iyo wasiir-kuxigeenka wasaaradda macdanta iyo biyaha, Maxamuud Cabdi Faarax iyo Yuusuf Ciise Talaabo. 

 

Markab Shaki Leh Oo Ku Soo Caaryay Xeebaha Galbeedka Somaliland

Maamulka  Degmada Lughaya Oo Gurmad ka Dalbaday Dawladda Dhexe Iyo Hay’adaha Samofalka

 

 

Boorama (Haatuf): Markab ah kuwa xamuulka qaada ayaa ku soo caaryay xeebaha degmada Lughaya ee Gobolka Awdal.

Meesha uu ka soo caaryay, markabakaasi waxay 7km u jirtaa xeebta degmada, sida uu Gudoomiyahaasi khadka Isgaadhsiinta ugu sheegay Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal Maxamed Cumar,.

Warkani wuxuu intaa raaciyay in shaqaalihii markabkaas oo tiradoodu dhamayd (30) qof ay Ciidamada Jarmalka ah ee jooga Jabuuti ka daadgureeyeen, shaqaalahaas oo u badnaa Hindi.

War laga soo xigtay Gudoomiyaha Degmada Lughaya Maxamed Xasan Liibaan in markabkaasi aanay ku ool wax dhaawaca iyo inuu yahay markab ay hore u sheegtay BBC-du inuu degey iyo in markabkaasi u egyahay kuwa maafiyada.

 

Weriye Maxamed Cumar ayaa ku soo waramay in Gudoomiyaha Degmada Lughaya Maxamed Xasan Liibaan ayaa sheegay in uu ka codsaday, maamulka Gobolka Awdal, khubaro aqoon u leh arrimaha badaha iyo dawladda Somaliland inay ka soo war helaan markabkaas oo la sheegay inuu ka yimid, dalka Shiinaha, uuna u socday Jarmalka, waxaa hadda ilaalinaya sida uu sheegay Gudoomiyaha Lughaya ilaalo ka tirsan Degmada Lughaya iyadoy saaran yihiin koontaynaro, oo aan cid kale oo la joogtaana aanay jirin. Gudoomiyaha Degmada Lughaya waxaa kale oo uu ka waramay xaalad abaaro ba’an oo ku habsaday Degmada Lughaya ka dib markii ay xiliyadii tagay roobab ka da’ay degmadaasi ay yaraadeen, waxaanu ka codsaday Xukuumadda Somaliland, maamulka Gobolka Awdal iyo hay’adaha samafalka in ay u soo gurmadaan dadka iyo duunyada ku nool degmadaas inta aan xaaladdu ka sii darin.

 

Guddi Loo Saaray Xal U Helida Khilaaf Dhexmaray Saamilayda Aerolite Oo Go’aamo Soo Saaray

 

 

Hargeysa (Haatuf): Qoraal ka kooban 12 bog oo ku taariikhaysan 24/09/02, ayn saxeexeen 5 xubnood oo ah guddi uu u saaray Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Cabdilaahi Cumar Cige, 6/08/02, guddidaas oo sida Qoraalka soo gaadhay Haatuf ku xusan u Wasiirku u xilsaaray xisaabinta hantidii shirkada Aerolite oo ay ku murmeen hantiilayaashii. Guddida saxeexday soona saartay go’aanku waxa kala yihiin, Aaden Axmed Diiriye, Gudoomiye, Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir xubin, Xasan C/Salaan Sh. Cali Xubin, Maxamed Axmed Ducaale xubin, Xasan Raage Faahiye xubin,.

Xubnaha uu khuseeyaa ee uu ka dhaxeeyay muranka xisaabeed shirkada Aerolite waxa ay kala yihiin lix qof oo ah laba dhinac.

Maxamed X. Cabdilaahi Sh. Maxamed,  Axmed Sh. Yuusuf Ismaaciil, Axmed Maxamed Tarax, dhinaca koowaad.

Dhinaca labaad

Cabdilaahi Jaamac, Xasan Cumar Colow, Siciid Cabdilaahi Jaamac,.

Qoraalka go’aanka ee guddigu wuxuu xusay in dacwada ay ka garqaadeen ee xisaabeed ay u dhaxaysay Maxamed X. Cabdilaahi oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah reer Cabdilaahi Jaamac oo uu afhayeen u yahay Siciid.

Go’aanka gudigu wuxuu sheegay Raasamaalka shirkada Aerolite ee sugmay uu yahay 297,359,82$, Raasamaalka aan sugmin ee shirkaduna u yahay 146538.94$.

Go’aanka guddigu wuxuu ku sheegay Raasamaalka Maxamed X. Cabdilaahi 60% oo noqotay 297,359.82= 178,415.892$. Raasamaalka reer Cabdilaahi Jaamac 40% oo 297,359.82= 118,943.928$.

Gebagebadii go’aamada guddigaasi waxa y u qornayd sidan.

1.       dhegaysiga dacwadu wuxuu furnaa 07/08/02-19/09/02.

2.       shirkada waxa dayn lagaga leeyahay qalabka ay isticmaashay qaarkii, dayntaas oo dhan, 284,389.25$, hase yeeshee sida uu sheegay Maxamed, Dayntaas waxa gaar ahaan loogu leeyahay Aerrolite Somaliland lacag dhan 186,034$, inta kalena waxa lagu leeyahay shirkadiisa Xamar, waxaana lagama maarmaana inuu Maxamed si dhakhso ah u bixiyo dayntaa lagu leeyahay, waxaa iyana lagama maarmaana in isna sida u dhakhsaha badan, loo siiyo daynta uu ku leeyahay shirkada Aerolite Somaliland.

3.       wixii kaash (lacag) ee u yaalla shirkada in lagu ururiyo Account-ka shirkada ee Dahabshiil.

 

 

Maamulka Boorama Oo Jawaab Cadho Leh Ka Bixiyay Mawqifkii Ay Ururada Mucaaridku Iska Taageen Magacaabista Guddiga Doorashooyinka

 

 

Boorame (Haatuf): Maamulka gobolka Awdal ayaa shalay jawaab cadho leh ka bixiyey war ay doraad soo saareen wakiilada 7 urur-siyaasadeed oo Boorame ah, kuwaas oo qaadacay ogolaanshaha guddiyo doorasho oo loo magacaabay gobolka iyo degmooyinka Awdal.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorame, Maxamed Cumar war ka soo baxay xafiiska badhasaabka ee Boorame ayaa warka ka soo baxay wakiilada ururada siyaasadda ee Boorame ku tilmaamay mid lagu jahawareerinayo dadka, isla markaana ay sheekadaa jaho-wareerrinta ah ay shakhsiyaad dadka kula dhexjiraan.

“Bayaanka ku qoran wargeyska Haatuf tirsigiisii soo baxay 7/10/2002, kaas oo sheegaya inay wakiilo ururo siyaasadeed diidan yihiin guddiga doorashooyinka gobolka Awdal iyo degmada Boorame, laakiin shakhsiyaadka sheeganaya wakiilada ururada siyaasadeed ee gobolka Awdal aanay qaarkood wakiilo ka ahayn ururo dalka ka jira oo u u tartami kara doorashada”ayuu yidhi warka ka soo baxay xafiiska badhasaabka Boorame.

Wakiilada ururada siyaasadda ee qaadacay magacaabista guddiayada doorashooyinka ee gobolka Awdal waxay sababta diidmadooda ku micneeyeen in si qaldan loo magacaabay oo ay magacaabistooda ku dhawaaqeen madaxda maamulka dawladda ee Boorame, isla markaana ay ragga la magacaabay u badan yihiin ururka UDUB, taas darteedna aanay noqon karin niman dhex ah, laakiin warka ka soo baxay xafiiska badhasaabku waxa uu taa kaga jawaabay oo uu yidhi “Guddiga doorashada waxa magacaabay xubno ka tirsan madax-dhaqameedyada gobolka Awdal ee aanay ururada siyaasadda iyo maamulka dawladda midna ku lug lahayn magacaabistooda, sidaa darteed waxaanu ururada siyaasadda mar kale ugu baaqaynaa inay kala gartaan cidda magacaabi karta guddiyada doorashooyinka gobolada dalka iyo cidda aan magacaabi karin”ayuu yidhi warkaasi, wuxuuna intaa ku daray “Waxa kale oo aanu kula talinaynaa aan xaqa ama sharciga u lahayn ka qayb galka doorashooyinka aanay ka hadlin arimaha doorashada, iyadoo aanay bayaankii Haatuf ku qornaa soo saarin dad ururo ka wakiil ahi,maadaama ay madaxda ururadu is arkeen, kana wada hadleen xulista xubnaha guddigan”. 

 

Markab Ku Gubtay Badda Cas Oo Muran Ka Dhex Aloosay Faransiiska Iyo Yemen

 

 

Sanca (W. Wararka) Dawlada faransiiska ayaa ku adkaysatay in markabkeeda ku gubtay agagaarka xeebta Yemen uu sabab u haa fal argagixiso oo lagula kacay markabkaasi sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibadda ee faransiisku dawladiisu waxa ay rumaysantahay, in falkaasi uu ahaa mid argagixiso balse waxa uu intaa ku daray in Baadhayaasha arrintaasi ku hawlani, ay soo saari doonaan dhab ahaan wixii sababay gubashada markabkaasi.

Madaweynayaasha Faransiiska iyo Yemen ayaa ku heshiiyay in guddi xaqiiqo raadis ah loo saaro arrintaasi kuwaasoo ku hawlan baadhitaanka dhacdadan.

Dawladda Yemen ayaa dhinaceeda ku adkaysanaysa in gubashada markabku yimid mid ka mid ah haamaha saliida ee gudaha markabka saaran.

 

Maayor Cusub Oo Loo Magacaabay Gebilay

 

 

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ayaa xilka ka qaaday maayarkii degmda Gebilay, Xasan X. Yuusuf, isla markaana waxa uu madaxweyne Rayaale degmada Gebilay u magacaabay maayar cusub, Abiib Xasan Fil-fil, sidaana waxa lagu sheegay wareegto shalay ka soo baxday  xafiiska madaxweynaha.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sababaha xilka lagaga qaaday maayarkii hore ee Gebilay, laakiin waxa uu madaxweyne Rayaale wareegtadiisa ku sheegay inay jirtey baahi lagama maarmaan ka dhigtay in isbedel lagu sameeyo maamulka degmada Gebilay, hase yeeshee wareegtada laguma sheegin halka ay baahidaasi salka ku hayso, wuxuuse intaa ku daray inuu talaabadan kala tashaday madaxda, duqay iyo wax garad ummadda ka tirsan.

 

Mudooyinka dambe waxa degmada Gebilay ka jirey sawaxan la xidhiidha dhinaca xuduudaha degmada, taas oo ay dadka reer Gebilay bilihii u dambeeyey ku celcelinayeen waa in wax laga qabto xuduudda degmada, taas oo ay ku andacoonayaan waa in la sugo xuduudaha degmada, isla markaana waxa cabashadooda ka dhadhamaysa inuu qor kala socdo degmooyinka deriska la ah oo qaarkood la magacaabay sannadihii u dambeeyey ee ina dhaafay.Sidaa darteed marar dhawr ah oo ay toddobaadadii u dambeeyey degmadaa booqdeen wufuud ka hadlaysay arimaha doorashada waxay dadka reer Gebilay mar walba la hortaagnaayeen hadii aan mushkiladda xuduudda wax laga qaban way adag tahay sida ay doorasho uga suurta gasho degaankaa.

 

 

Radio Maqaloocshe

 

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydun ka dhegaysataan mawjadaha taag taagan ee kaftan aqoonka ah iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq yaqaaanka ah.

Akhristayaashayada indhaha bal-balacsanow waxaynu soo gaadhnay waqtigii aan dhawda idinkaga saari kari jirey warkii dunida kuus-kuusan, waxaana maanta idinku qaw-siin doona weriye Af-dhuub ina Oogle Maraan.

 

“Isagii isaga ahaa”

Shanka roonland

Shanka roonland ayaa subax dhowayd ku qososhay safiir yar oo ay Masar soo lugoysay, ka dib markii uu xukuumadda iyo shacbiga shanka roonland u sheegay ee uu ku yidhi “Shimaalu qarbi tacaal hinaa mu’tamaru kiinya”. Shanka roonta oo tiraabteeda sii wadata ayaa ugu jawaabtay “yaa siiloon safiir hinaa shanka roonland wa istarjacnaa istiqlaalunaa, naxnu wa junuubu Somal dawlatayni mustiqilatayni shaqiiqatayni, qiblatayni walaa nakhus xadratu Nayroobi, wa anta id-hab ilaa bilaadag yaa safiir ciyaal”. Safiirkaa yar oo magaciisa la iigu sheegay ina Xaliimo ayaa markii ay intaasi ku tagtay waxa aroornimadii dambe banaanka khayriyadda heedhiwaalo uga tuntay habro caanoley ah oo ku dhawaaqayey “Masareey masiibaad tahayoo dilaal baad daydaydaaye oo dadkuun baad qasabtaaye danahaaga ku foof ha ku daalin halkaygee”.

Safiirkan yar oo markiisii horeba iska garanayey inaanay cidi asmacayn ergadiisa ayaa iska huleelay, wuxuuna war amuume u hadlay shanka roonland yidhi “Waa markii shanaad ee uu inankaa yari waxaas oo kale noola yimaado”.

Safiirkan yar oo aan aniga qudhaydu arkay isaga oo meeraysanaya meel hudheel agtiis ah ayaa waxaan kala saari waayey inuu nacas yahay iyo inuu la meeraysanayo munaafaqnimo dhogor goysay.

 

Aqoonsi sigtay

Masuuliyiin gaalo u badan oo laygu yidhi waxay ka wakiil yihiin dawladaha qarada waaweyn ee Maraykaanka iyo Orobaanka ayaa subax dhowayd ku sigtay inay aqoonsadaan Jamhuuriyadda Shanka-roonland.

Dublamaasiyiin Caro sawaaxil ka dhawaaqday ayaa ka marag ka kacay inay jamhuuriyaddan shanka-roonland tahay mid kibirtay oo kud iyo cadho reebtay oo aqoonsi la’aanta ku naaxday, waxaanay caro-edeg u sheegeen in mirqaankooda la ixtiraamo oo aan qayilaadda laga xumayn ilayn barjaha looma qaadine. Hadalkaasi waxa uu hoosta kaga jirey maqdarad lacag loogu dhawrtaynayey ururka Igad oo doonaya inay tii Somaliya ahayd u qabteen siminaar Asqokareebkii afar iyo tobnaad.

Siminaarkaa dalka kiiniya ayaa sheegay inuu ku sadaqadaysanayo Cawdii ay badhida dhigi lahaayeen, xeedhyihii ay shuuada ku cuni lahaayeen iyo merfishkii ay ku qayili lahaayeen.

Maryo aloolka reer Oroba ayaa iyaguna sharaab u qaaday siminaarkaa, isla markaana ugu yaboohay joonyado aan shuuro iyo hadhuudh u kala garran-waayey. Maraykaanka ayaa isna digsiyada iyo kidhliyada loogu hadhimo karinayo ku caawiyey, ka dib markii uu majarafad yar u daray sanduuq doolar abu bidaar ahi ku jiro.

Maryaweynta beri Carab ayaa iyaguna ku ballan-qaaday inay ku deeqayaan basasha iyo baradhada hadhimada lagu darayo. Waxa kale oo ay maryoweynta beriCarab ku yabooheen waxooga doolar ah oo faraajiin lagu soo iibin doono. Jarmalka ayaa isna ku yaboohay shaaha madow iyo xawaashka. Wadanka Talyaaniga ayaa isna intii itaalkiis ah ballan-qaaday baastada iyo fargeetooyinka iyo maryaha afmariska. Shanka roonland ayaa iyana ballanqaaday inay bixinayso Caqaar-caqaar jabane ah, Jabuuti ayaa, iyana ku caawisay qoryaha findhicilka ah.

Siminaarkan oo ay rayiislayaal ka yihiin qaar ururka Igad ka tirsani waxa qaadhaankaa loo soo ururiyey shuruud looga dhigay inaanay gogol-dhaaf ula tegin jamhuuriyadda Shanka roonland oo aan dadkeeda agagasnimo loola tegin.

 

Siminaarkan oo ah kii afar iyo tobnaad, kaas oo dhawrkii sannadood-ba mar la qabto, waxa uu ka mid yahay bal-wadaha cusub ee ay Somalidu yeelatay, waana beeraha laga soo daabulo qaf-qaflayaasha dagaalka iyo kooxaha carada Somalida ku dhex dirira.

Siminaaradaa oo loogu yeedho shirar dib u heshiisiin Somalidii kala abaaday waxa uu marka dambe noqdaa dib u dagaalanka Somalida, faa’iidooyinka ugu badan ee lagu qabaana waa soo kordhinta dagaal oogo cusub leh iyo mooryaan hor leh oo magaca tuulo cusub sita, siminaaradii kan ka horeeyey oo uu mid waliba kooxdiisa iyo qaf-qaflihiisa watay waxay gidigood ku dhamaadeen shinbirayahow foodhya. Laakiin kan dhowaan furmaya waxa la isugu keeni doonaa qaf-qaflayaashii lagu sameeyey siminaaradii hore, hadii uu siminaarkaasi dhamaadona waxa la filayaa inay ka soo bixi doonaan koox qaf-qaflayaal cusub ah oo af-kiiniyaanka taqaan oo dagaalka Somaliya halkiisii ka sii wada.

 

Huudhi Caaryey

Huudhi calool-weyne ah oo u dhaansanaa dalka faransiiska ayaa ku huruushooday goodiga Cadmeed, ka dib markii ay saxiimad yar oo malaasani kelida ka qaniintay, hirdina ku qarxisay.

Huudhigaas oo calool-weynaantiisa aad gafane moodaysay ayaa sida kudaafadda u qiiqay markii uu gubtay.

Saxiimaddaa yar oo ka mid ahaa dameeraha badda Yamenta ku ciyaara waxa loo malaynayaa inaanu saxiimad badeed-ba ahayn ee uu ahaa banbaane dabaal bartay oo huudhiyada badda xulaya ugaadhsanayey.

 

Huudhigan bas beelay oo la sheegay inuu ka mid ahaa booyadaha Faransiisku dhaansado waxa loo malaynayaa inuu ka soo fulay ceelasha leedahay ee ay gaaladu naaftada ka jaqdo.

Warkan oo uu Xasan Xadhaadhsane Laydha sare raaciyey ayaa sheegay inuu hal bad-maax meeshaa ku fidigay, baxaaradii kalena ay dhogortu ka mudhuxday oo Sanca dhaymo loo geeyey.

Dawladda Yamen oo aad uga naxday huudhiga agteeda ku huruushooday ayaa, iyadoo magac xumo ka baqaysay jawaab ay ka bixisay ku sheegtay inaanay iyadu huudhigaa iyo saxiimadaa malaasan isku dirin oo aani jirin sixiimad qudha oo ay ku tidhi huudhigaa orod soo hirdi, waxayna Yamentu intaa ku dareen in waxa huudhiga intaa xooggu le’eg yahay dilay Saxiimad badeed ka weyn yahay.

Huudhigan oo uu balaadhkiisu le’eg yahay xaafadda Xunbuli ayaa waxa ka afrogmay wax madow oo aan u maleeyey dhiigga huudhiyaasha waaweyni ee baddda quusa, balse la ii sheegay inuu waxaasi ahaa saliid caloosha uga buuxday, saliidaas oo sidii dooxa Hargeysa u butaacday, qaraxa huudhigaasina waxa uu badda ka qaxiyey kaluunkii rayidka ahaa ee badda ku noolaa.

 

War aan ka soo fara maroojiyey habar xeebta ka soo caariday ayaa ii sheegtay inuu kaluunkii halkaa ka soo barakacay iminka qaxooti ku yahay goodiyada saaxil, lagana dayriyey xaaladiisa nololeed. Af-hayeen u hadlay huudhiga gubtay ayaa sheegay inuu huudhigaasi sidey sunta khatarta ah ee dad iyo kaluun-ba laysay, suntaas oo markii hore loogu talo galay wadamada argagixisadu joogto, kaluunkaasi waxa kale oo uu sheegay in shanka roonta lafteeda ay halis u tahay in sunta huudhigaasi daadshaey dabaysha iyo daadku u soo qaadaan xageeda .

 

Qaraxa huudhigaa oo aanay cidina sheegan ayaa lagu moosay Al-qaacida iyo argagixiso aan awel horeba Yamen loogu sheegi jirin, huudhigani ma ah kii u horeeyey ee biyaha  Yamenta ku dhinta, iyadoo huudhi hore oo uu Maraykaanku ka samri waayey ay ku qaraxday saxiimad yar oo uu la kaftamay, taas oo wixii berigaa ka dambeeyey dalka yamenta laga mamnuucay isku tiir-tiirsiga huudhiyada waaweyni iyo saxiimadaha.

 

Wasiirka Wershadaha tiriya ee Kiiniya

Ministarka Wershadaha tiriya ee dalka kiiniya ayaa sheegay inuu meel ku arkay aqoonsigii Shanka roonland.

Ministarkaas oo la yidhaahdo Dhiinga odhiinga ayaa war uu saxaafadda ku saydhiyey ku yidhi “Aniga Illaahay wuu I tusay aqoonsigii Jamhuuriyadaa, hadii uu Illaahay madaxweyne Moi iga dhigi lahaana habeen qudha kama dhaxeen ee waan siin lahaa, bikoos Haakuuna shiddo Aguuji haba”. Ministarkaa oo ay wershadiisu laydhka soo saarto, laakiin aanay aqoonsiga soo saarin, waxaase muuqatay inuu yahay nin ka faxalsan sawaaxiliga kale oo dhan, waxaanse u malaynayaa in hadii uu aqoonsigu laambad noqon lahaa uu ministarkaa fariidka ahi shidi lahaa.

Arintani waxay ku soo beeggantay xili uu dalka Kiiniya masuulka duugoobay dardaarankiisii u dambeeyey akhriyayo.

 

Gabay

Dhegaystayaal maanta warkii halkaas ayaan fadhiisinayaa. Waxaanse idinka dibirinayaa gabaygan aan dhul durugsan ka keenay ee dhegaysta:

Hooyaala gabay waayadaa,

Maan haraatiyine,

Ma hidhaynin maansooyinkaan,

Haanka goyn jiraye,

I dhegaysta caawoo kalaan kaga,

Cabaadshaaye,

Si caashaq habar weyn heloo,

Heeso kaga daadshay,

Luuqdayda quruxda badan,

Waad ka naxaysaaye,

Sidii xabashi dhaantaynayaan,

Daasad kuu tumiye,

Afartaa sidii daad qul-qulay,

Maysu daba-yaacshay,

Maqalloocshe deel-qaafku wuu,

Kaa dilaa gabaye,

Qacda kalena waa qababaxdii,

Qaran dhiskaygiiye,

Citiraafka caymaday markaan,

Caydhsi ku eryaday,

Daydaygiisa awgii markaan,

Laba marduuf qaaxay,

Mirqaan qaran daraadii markii,

Qaad I dili gaadhay,

Aqoonsiga anoo raba,

Maxaan jeeg biyo ah laacay,

Galbeed iyo intaan bari ka dayay,

Samada mawraadshay,

Afrika iyo eeshiya ilaa idhanka, Uubaale,

Afmeerada Togdheer iyo intaan,

Obakh ka baadh-baadhay,

Jarmal iyo jabaan iyo ilaa jeesaska Yurubta,

Jibaaxaha, jibaaxa intii aan ku tegay,

Toosan iyo beergal,

Intii aan ku joogsaday habeen,

Habar yar oo jiifta,

Jabayeeyda qaylada intaan jaanka kala booday,

Jaan, jaan maraykani joogso isu waalay,

Jaamacad carbeed baasi intay igu jiqsiinaysay,

Xoolo joojintoodii,

Markii jixinjix lay diiday,

Sawkaa maraykaan dawakhay dumarka moodaaya,

Sayladdii markay naga xidheen,

Sawnagii gaajo dhiman weynay,

Dadka weli ka nool baanu nahay,

Adhi xidhkoodiiye,

Busaaradi maxay naga guri waan isbaranaaye,

Afartaa ku miisaye aan naago kale maago,

Baarlamaanka reer xamar ma oga xaalka suuyahaye,

Badawnida haysaa ka badan beesha raxan weyne,

Beentiyo warsheeg-sheegistay baqalka keeneene,

Shankaroonta waxay moodayaan muufadoo kale’e,

Shicibkooda waxay moodayaan roodhi garab taale,

Khajilaada waan bari lahaa waa agoon wuxuye,

Shankaroonta qoodheeda iyo qurux badnaanteeda,

Injiruusku sawtuu fajacay geesinimadeeda,

Faransiisku sawtuu irkigay orod badnaanteeda,

Maraykanku sawtuu ka baaqay waxa mirqaan yaalla,

Dawladaa yar nuxurkeeda iyo nabad badnaanteeda,

Sawtuu jabaan yaabay ee lacagta siin gaadhay,

Aqoonsigu muxuu tari lahaa luga xumaantiisa.

 

 

Sheeko Taxane Ah

Quruxdeedaa Sababtay Qalalaansaha Nolosheeda

Q: 11aad

 

 

Najiib ayaa geeyay Luul guriga reer Goohe, sidaasaanu ku soo gebogebeeyay habeen ka mid ah habeenada xusuusta ku reebay Najiib iyo Luul-ba, waayo waxay go’aaamiyeen habeenka ay ka dhigayaan galbiska arooskooda oo noqon doonta bilowga nolosha cusub ee ay wadaagi doonaan Najiib iyo Luul.

 

Najiib, isaga oo aan cid u sheegin wuxuu isku ciil-kaambiyaa waqti badan oo hore ugaga lumay haasaawe iyo hirirka aan saldhigin ee barashada, ballanka iyo hamuunta haweenka aan ujeedadeedu ka badnayn saacado. Najiib wuxuu qaadan la yahay sida ay u kala fog yihiin fikradda uu ka haystay in ku tallaabsiga guurku uu yahay arrin aad u adag iyo sida aanu ilaa hadda wax dhib ah aanu ula kulmin, haddana wuxuu dhinaca kale soo dhigtay Najiib in aan la gaadhin xilli la qiimeeyo oo arrinta aan weli fari ka qodnayn.

Najiib oo keligii isla hadlaya ayaa yidhi; “Allaylehe wixii ay doonto ha ku dambaysee, sidani waa nolol, sidii horena waa nolol la’aan.”

Tan iyo intii uu Luul mehersaday Najiib wuxuu awood u helay in waqti hore aroortii uu kici karo, si uu u qabsado hawlihiisa ganacsi, laakiin markii hore Najiib wuxuu waqgti badan habeenkii ku soo jeedi jiray socod iyo sheeko haween oo ku iman jirtay kulan aan qorshaysnayn oo ay ku kulmaan waddooyinka, iyada oo aan la isu lahayn aqoon.

 

Amuun Cabdalle oo iyadu soo dhammaysatay imtixaanaadkii oo fasaxii la galay, ayaa hadda aad ugu soo booqata Luul gurigooda, iyada oo ay inta badan wada joogaan guriga reer Goohe oo isagu qalo yar. Luul waxay ku wargelisay hooyadeed Quman Sugaal, in arooskeedu uu noqonayo bil wixii ka dambeeya. Sidoo kale, Qumana waxay waqtiga la wareejinayo Luul u sheegtay Goohe Guuleed.

Luul waxay Amuun u sheegtay in ay diyaarinayso dharka hiddaha iyo dhaqanka u ah Somaliland, iyo kabihii hore ee la xidhan jiray ee aan kala lahayn bidix iyo midig (cagba cag), oo ay ugu talogashay arooskeeda in loo xidho, iyo Amuun inay tahay mixiisadeeda aan sinaba arrintaa garabkeeda ka maqnaan Karin. Amuun qudheedu aad ayay uga heshay inay xidhato dharkaas, oo weliba lagaga qaado sawiro, iyada oo gashan dharkaas hiddaha iyo dhaqanka u ah dadkeena.

 

Luul waxay intaa ku dartay, in keegiina ay ku beddeleen gorof caano ah oo ay wadaagi doonaan.

Amuun oo la amakaagsan sida ay Luul isugu hagaajinayso hindisaha hawlaheeda arooska, iyo goorta ay waayo-aragnimadan heshay Luul, maadaama ay labadooduba isku ag-koreen, haa iyo waayahay ayaa ka soo hadhay Amuun oo galabtaa inta badan dhegaysanaysay  sheekada saaxiibadeed Luul.

Amuun, horeba waxay u ogayd inay Luul jeclayd inay timaha u xamrato sidii hiddaha ahayd iyo inay jeceshahay xidhashada garaysyada sida dharka hiddaha iyo dhaqanka.

 

Amuun lamay soo qaadin Luul imtixaankii iyo arrimihii iskuul, waayo Amuun may jeclaysan in ay saaxiibadeed ka hadho waxbarashada, waxaanay Amuun leedahay hiigsi waxbarsho oo ilaa heer jaamacadeed ah, waxanay Amuun ka mid tahay ardayda waxbarashada lagu amaano ee aan ka dhicin saddexda arday ee ugu sarreeya. Marka la weydiiyo Amuun waxa ay jeceshahay inay noqoto mustaqbalka kolka ay dhammaysato waxbarashada, waxay tidhaahdaa; Macallimad waxbarasho oo dhinaca cilmiga bulshada ah.

Amuun oo fasaxa iskuul bilowday inay barato luqada Af-Ingiriisiga, kordhisatana waxbarashada dugsiyada sare ee ay galayso waxay soo gebo-gebaysay sheekadii u socotay iyada iyo saaxiibadeed Luul.

Luul oo arkaysay in ay Amuun sidato buugaag oo ay kollay meel waxbarasho tegayso ayaa ku tidhi Amuun: “Maxaad iska daalinaysaa kollay naag Soomaaliyeed bariiska kari ayuunbay aakhirka ku dambaysaaye.”

Amuun oo aan hakin socodkeedii ay kaga sii baxaysay guriga reer Goohe ayaa ugu jawaabtay saaxiibadeed Luul; “Naagnimadu waa halkeeda, laakiin anigu waxaan isku deyayaa in aan waxbarashada meel fiican ka gaadho.”

 

Isoo mar-mar saaxiib Amuunay oo hayga maqnaanin iyo waayahay ayay galabtaa isku nabadgelyeeyeen Luul iyo Amuun.

Markii fasaxii iskuuladu uu si fiican u bilowday ayaa arday hablo u badan oo ay Luul isku fasal iyo isku iskuul ahaayeen ay ku soo booqdeen gurigooda, qaar way maqleen in Luul la mehersaday, qaarkoodna may maqal oo waxay u qaateen in ay waxbarashada uga hadhay sababo kale, sida caafimaad-darro, laakiin markii ay la kulmeen weydiin kahorba waxay garteen in muuqa Luul ay ku arkeen inuu yahay mid ka fog xanuun. Soo dhaweyn iyo raaliglein ayay ku qaabilaysay Luul, tiro yar oo ka mid ah gaar ahaan hablihii ay isku miiska fadhiisan jireen fasalka ayay Luul hoos ahaan ugu sheegtay inay bil gudaheed ku aqal-gelayso, u sheegistan oo oo fasirkeedu ahaa marti-qaadka arooska Luul.

 

Luul hawsha ay maalmahan haysay waxaa ka mid ahaa inay soo xulato oo soo iibsato sawirada fareemka la geliyo ee guryaha la sudho, waxaanay aad u soo badsatay sawirada leh barxadaha, dooga, badaha iyo biyo-shubyada.

Najiib oo u yimid Luul ballan ay lahaayeen awgeed, ayay Luul u sheegtay in ay soo iibisay sawiradaa guryaha lagu qurxiyo, markaa ay sii qaadaan.

Najiib, wuxuu weydiiyay Luul, cidda guriga joogta, waxaanay u sheegtay in hooyadeed Quman iyo inantii u shaqaynaysay oo keli ahi ay joogaan. Waxoogaa Najiib waxaa ku yar adag in ay mudh isku soo yidhaahdaan Goohe Guuleed oo ah soddagii, Luulna aabaheed ah.

Intii ay Luul iyo Aamina gaabo oo ah inanta u shaqaysa reer Goohe ay sawiradii ku gurayeen gaadhiga, wuxuu Najiib soo salaamay soddohdii Quman Sugaal oo si fiican hagoog jiq isugu siisay. War isuguma seeganayn Quman iyo Najiib, halka ay marayso hawshoodu. Sidaas daraadeed, nabdaadin ayay ku koobnayd salaanta ay isu celiyeen Quman iyo Najiib.

 

Luul inkasta oo uu Najiib ninkeedii yahay, haddana kumay dhiiran in isaga oo hooyadeed la jooga ay ku wargeliso inay alaabtii saareen gaadhiga oo uu soo baxo Najiib, si ay isu raacaan. Sidaas darteed, Luul iyadu gaadhigii ayay iska sii fuushay, Aamin Gaabo ayay ku tidhi, Najiib soo bax dheh.

Dhinaca kale, Luul iyada oo raacaysa Najiib inuu aabaheed soo galo ayay ka baqanaysay, iyada oo og in xilligii uu soo hoyan jiray Goohe ay soo dhowdahay, inkasta oo ay ninkeedii raacayso Luul, haddana may saadaalin karayn waxa uu odhan doono aabaheed, haddii uu la kulmo iyaga oo sidan u wada socda, anshax ahaana Luul may jeclayn inuu ku soo baxo aabaheed iyada oo la taagan Najiib.

Aamina gaabo ayaa ku wargelisay Najiib, inay alaabtii saareen. Hooyo reerkii igu salaan ayay Quman tidhi, waayahay ee habeen wanaagsan hooyo ayuu Najiib oo is adkaynaya khajiilaadna aanay ka maqnayn ayuu ku jawaabay.

Lasoco…………

 

 

 

Beerista dhirta ubaxa bixisaa waxay

leedahay qurux iyo faa’iido ganacsi

 

 

Bilicda magaalooyinka waaweyni ee dunida waxa qayb weyn ka qaata dhirta, doogga iyo ubaxa ka baxa beeraha nasashada ee magaalooyinka.

Dalalka dunida qaarkood meelaha lagu beero ubaxa waxay leeyihiin faa’iido ganacsi oo ku kacda lacag aad u fara badan, Dalka Maraykanka waxa lagu qiyaasay inay dadkiisu ku bixiyaan hanti dhan $15 bilyan dolar sannadkiiba, waxaana ka hawl gala beeraha ubaxa ilaa 30,000 oo qof oo bartay cilmiga beerista ubaxa.

23000 oo meheradood oo ah suuqyo waaweyni (Super Markets) oo ku yaal Maraykanka ayaa iyagana lagu iibiyaa wax soo saarka beeraha lagu beero ubaxyada quruxda badan.

Reeraha beera ubaxa iyo dhirta ee iibiya waxay u noqon karaan ilo dhaqaale oo waxtar u leh noloshooda.

Marka sida haboon looga faa’iidaysto habaynta beeraha nashada ee looga baahan yahay magaalooyinka waaweyn waxay muujiyaan bilicda magaalada, waxayna wanaajiyaan hawada degaankaa.

Shaqo abuurista beeraha ubaxyada dabiiciga ah waxay noqon kartaa xirfad ganacsi oo ay noloshooda ku kabaan qoysas badan oo uu dakhligooda nololeed hooseeyo, taas oo u noqon karta shaqo ay ku noolaadaan sidii qoysaskii ninka la odhan jirey William Zappettini oo ku noolaa magaalada Sanfaransiisko ee dalka Maraykanka.

 

William Aabihii ayaa markii hore bilaabay beerta ubaxa lagu beero ee qoyskooda sannadkii 1921-kii, xiligaas oo ay ahaayeen qoys qaxooti ah oo ka qaxay dalka talyaaniga, una qaxay dalka Maraykanka.

“Waa shaqo ay geli karaan dadka dan yarta ahi”sidaa waxa yidhi, William Zappettini oo ka ganacsan jirey beerista geedaha bixiya ubaxa.

Dalka Colombia ee ku yaal Laatiin Ameerika waxay u dhoofiyaan dalka Maraykanka 45% ubaxa lagu isticmaalo dalkaa.

 

Inkasta oo ay dunidu ku kala duwanaan karto sida ay u isticmaalaan geedaha ubaxa bixiya, hadana waxa muuqatay in beerista geedaha ubaxa bixiya iyo doogga beeraha nasashada ay tahay arin qayb weyn ka ah daryeelka degaanka iyo qurxinta goobaha ay dadku ku noolyihiin.

Beeraha nasashadu waxay ka mid yihiin goobaha danta guud ee aanay cidina gaarka u lahayn, waxaana ku nasan kara cid kasta, iyadoo ay beeraha nasashadu si gaar ah niyada iyo rajada caafimaad u dhisaan xiliyada uu qofku buko, isla markaana dadka da’doodu aad u weyn tahay iyo caruurta yar yar waxay beeraha nasashadu u yihiin goobo majo-baxsi iyo nasasho, weliba intaa waxa dheer, iyadoo ay bilicda ubaxa iyo dooggu u roon yihiin aragga indhaha dadka.

Guud ahaan kordhinta goobaha nasashada ee lagu beerayo dhirta ubaxa bixisay iyo doogga waxay ka mid tahay arimaha looga baahan yahay inay qabtaan ama sameeyaan dawladaha hoose ee magaalooyinka Somaliland, isla markaana marka ay hirgalaan waxa dadweynaha looga baahan yahay inay qaybtooda ka qaataan hawshaas oo ah mid waxtar u leh kor u qaadidda bilicda magaalooyinka iyo daryeelka degaanka ay ku nool yihiin.

Barashada cilmiga beerista dhirta ubaxa bixisay (Flora Culture) ayey iyana lagama maarmaan tahay inay dawladaha hoose joogaan dad aqoon u lihi, hadii aanay jirina la galo qorshihii waxbarasho noocaas ah loogu heli lahaa da’yarta cusub ee hadda wax baranaya, iyadoo ay taasi tahay arin muhimadeeda leh.   

 

 

Kaalinta qalabku kaga jiro wax soo saarka beeraha

 

 

Guud ahaan hawlaha wax soo saarka beeraha waxa  fulintooda loo adeegsadaa saddex nooc oo kala ah: Gacanta qofka, xoogga xoolaha iyo mishiino.

Heerarka kala duwan ee ay dadyawga adduunka ka gaadheen qaababkooda nololeed ayaa sabab u ah kolba waxa ay beeraleyda kala duwan ee adduunka ku nooli u adeegsanayaan hawsha wax beerista.

Wadamada xagga Wershadaha hore uga maray inta badan shaqada beerta laga qabanayo wax loo adeeegsadaa mishiino, sidoo kalena wadamada soo koraya waxa shaqada beerta loo adeegsadaa xoogagga dadka iyo xoolaha.

 

Carro rogga, shinniyeynta, baaq baaqa, kala gurka, isticmaalka daawooyinka beeraha, googoynta iyo gurista iyo weliba weel ku shubista intaba waxa jira qalab loogu talo galay oo laga isticmaalo wadamada hore u maray iyo weliba dalal ku yaal dunida saddexaad qaarkood.

Isticmaalka qalabka laga heli karo dalkaaga ee ku xidhma xoolaha ee loo isticmaalo hawlaha beeraha ayaa ah ta loo door-biday inay adeegsadaan dalalka soo korayaa, iyadoo ay sababtu tahay qalabka mishiinada ee lagaga shaqeeyo beeraha oo aan lagu samayn dalalka dunida saddexaad ee ay Somalilnad-na ka mid tahay intooda badan, wuxuuna qalabkaasi u baahan yahay dhaqaale lagu soo iibsado, laakiin hadiiba ay suurta gal tahay in la helo qalabka waxa, iyana dhibaato ah sidii loogu heli lahaa dayactir iyo weliba sidii dalalka soo koraya looga heli lahaa dad aqoon u leh qalabka, kuwaas oo hadii la helona ay tiradoodu yar tahay, sidoo kale waxa, iyana dhibaato kale ah shidaalka uu qalabkaasi ku shaqaynayo oo uu qiimaha lagu helayaa yahay kharash aanu xamali karin ama ku haboonayn wax soo saarka beeraha Somaliland.

 

Guud ahaan sababahaa aynu kor ku soo xusnay ayaa tilmaamaya isticmaalka qalabka loo yaqaan (Appropriate Technology) oo uu samayn karo bir-yaqaanka aad isku degaanka tihiin, qalabkaas oo ku xidhmaya xoolaha aynu dhaqano, sida Dibida, Awrta iyo Dameeraha.

Qalabka lagu xidho ama lagu isticmaalo xoogga xoolaha ee lagaga faa’iidaysto ma aha oo qudha kuwa beeraha lagu qodo ee xataa waxa jira qalab wadooyinka lagu dhiso, qalabkaasna nooc kasta oo ka mid ahi waxa uu leeyahay, qaar lagu xidhi karo xoolaha, ka dibna lagu shaqayn karo. Qalabka wadooyinka ee lagu xidho xoolaha waxa hadda ka hor lagu dhisay wadooyin badan dalalka hore u maray , laakiin qalabkaa wax qabadkoodu wuu ka yar yahay mishiinada waaweyni ee hadda loo adeegsado dhismayaasha wadooyinka, balse qalabkaa aynu soo sheegnay waxay awoodaan inay dhamaystiraan hawsha dhismaha wadada oo ay qabtaan hawl aan lagu qaban kareen xoogga ama gacmaha dadka.

Marka la eego baahida wadooyinka ee Somaliland iyo faa’iidada dhismaha wadooyinku u leeyihiin ka hortagga nabaad-guurka iyo socodka biyaha oo ay fududeeyaan wadooyinka baabuurtu marto, waxa haboon in dad loo tababaro ku shaqaynta qalabka wadooyinka lagu dhiso ee ku xidhma xoolaha, taas oo dhinaca kalena noqon karta shaqo abuuris.

 

“Sahankani hadii uu si nabad iyo run ah ku dhamaado wuxuu Somaliland dhaxalsiin doonaa Martabad qiimo weyn leh”

 madaxweyne-kuxigeenka

 

 

Hargeysa (Haatuf):Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa shalay soo saaray qoraal uu gudoomiyayaasha gobolada, maayarada degmooyinka, taliyayaasha ciidamada, madax-dhaqameedyada iyo guud ahaan dadweynaha reer Somaliland ku ogaysiinayo in Sabtida toddobaadka foodda inagu soo haya ay hay’adda miino-saarista ee Denish De-mining Group dhammaan gobolada iyo degmooyinka ka bilaabi doonto sahan miino baadhis ah, sidaa darteedna waxa uu madaxweyne-kuxigeenku qoraalkiisaa ku dal-baday in sahankaa la suurta geliyo.

Madaxweyne-kuxigeenku waxa uu qoraalkiisa oo koobnaa ku bilaabay :
“Dhamaan madaxda dawladda iyo madax-dhaqameedyada gobolada iyo degmooyimka Somaliland waxa si xushmad leh loola socod siinayaa in laga bilaabo sabtida bishan Oktoobar 2002, ay hay’adda Denish De-mining Group ka bilaabi doonto dhammaan gobolada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland sahamin la xidhiidha xaddiga dhibaatada miinada iyo waxyaalaha aan qarxin (UXO) ay ku hayaan dadka iyo dhaqaalaha (Socio-Economic Impact) iyo dib u dhaca dhaqan-dhaqaale ee ay miinada iyo waxyaalaha qarxaa hortaagan yihiin.

Sahankan hadda bilaabmaya oo si nabadgelyo iyo run ka sheeg ah ku dhamaadaa wuxuu Somaliland dhaxal-siin doonaa martabad qiimo weyn ku yeelata indhaha dawladaha iyo dadyawga caalamka. 

Hadaba, dhammaan muwaadiniinta Somaliland waxa waajib muqadas ah ku ah inay suurta geliyaan in sahankani ku dhamaado sidii looga fadhiyey, waxaana ku rajo-weynahay in sidii la idiinka bartay aad u gudan doontaan hawshan waxtarka idiin yeellan doonta”ayuu madaxweyne-kuxigeenku ku soo gebagebeeyey qoraalkiisa.

 

Suudaan Oo Ku Eedaysay Eritrea Inay Taageerayso Mucaaradka Ku Kacsan

 

 

Khartuum (W.Wararka) - Dawladda Suudaan ayaa dalka Ereteriya ku eedaysay in ay gacan siinayso falaago dagaal ka wada bariga Suudaan kuwaasoo maalintii khamiistii qabsaday degmada Hamishaariib oo ku dhaw xuduuda Ereteriya.

Ciidamada Suudaan ayaa tabaabushe ugu jira sidii ay dib u qabsan lahaayeen degmadaasi ay qabsadeen falaagadu,. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca ee Suudaan ayaa sheegay inuu qorshahoodu yahay inay 24 saacadood gudahood kaga soo ceshadaan degmadaasi isaga oo intaa ku daray in falaagada ay gacan siinayaan Ciidamada Ereteriya oo wata hub aad u culus. Balse dawladda Ereteriya ayaa beenisay inay lug ku leedahay dagaalada ka socda bariga Suudaan. Iyadoo intaa ku dartay inay diyaar u tahay in halkaasi loo diro guddi xaqiiqo raadis oo caalami ah.

 

Falaagada qabsatay degmadaasi ayaa iyaguna ku adkaysanaya inay hore ugu sii socdaan gudaha Suudaan ayna qabsanayaan dhul kale. Laakiin ilaa hadda ma jiro war madax banaan oo ka soo baxay xaaladda dagaalkaasi sidoo kale dawladda Suudaan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay dib u soo celinta wada-hadaladii ay la lahayd Mucaaradka ku kacsan

 

 

 

Ronaldo: Weeraryahanka Ugu Caansan Kubadda Cagta Iyo Goolashii Uu Ka Dhaliyay Ciyaartii Real Madrid & Alaves

 

 

Markii uu galay daqiiqaddii 64aad ee ciyaartii dhexmartay kooxdiisa Real Madrid iyo Alaves, waxaa Ronaldo sacab ku soo dhaweeyay 75,000 oo buuxiyay tirada dad ahaan uu qaado garoonka ciyaartaasi ka dhacday ee Santiago Bernabeu Stadium. Ronaldo markii uu sii galayay iyo garoonka dhexdiisaba wuxuu salaamayay sacabka dadka buux-dhaafiyay garoonkaas.

Ronaldo wuxuu beddelay ciyaarta daqiiqaddii 64aad Javier Portillo, isaga oo Ronaldo ku soo biiray nadiga Real Madrid 35 cisho kahor, kana soo wareegay kooxda Inter Milan, heshiiskii uu ku soo wareegayna qiimihiisu wuxuu dhan yahay 45 milyan oo Euro, una dhiganta 44 milyan oo dollar.

Daqiiqad qudha markii uu ku jiray ciyaarta ayuu Ronaldo goolkiisii u horreeyay dhaliyay isaga oo gool kalena labaystay oo dhaliyay, saddexda gool ee kalena ee u dhashay Real Madrid, waxaa dhaliyay Zinedine Zidane iyo Luis Figo, 5 gool ayaanay guushu ku raacday kooxda R. Madrid, halka ay laba gool oo keliya ka dhalisay kooxda Alaves. Ciyaartaas oo ka mid ahayd tartanka horyaalka ee kooxaha Spain Zidane daqiiqaddii labaad ee ciyaarta ayuu goolkiisa dhaliyay, halka daqiiqadihii 32aad iyo 72aad uu laba gool shebega ku hubsaday Luis Figo, goolka labaad ee uu dhaliyay Ronaldo ayay ciyaartu ku dhammaatay.

 

 

 

 

 

 

Totti iyo Inzaghi Ma Noqon Doonaan Ciyaaryahanada 2004

 

 

Daboyaaqadii bishan ayaa lagu dhawaaqay in weeraryahanada Flippo Inzaghi iyo Francesco Totti loo xushay ciyaaraha Yurub ee 2004, inkasta oo ay labadooduba ay qabaan dhaawacyo ka reebi kara ciyaarahaas.

Labadan ciyaartoy ee ka ciyaara weerarku mid walba waxa uu dhaliyay lix gool afar ciyaarood oo ay safteen ciyaaraha heerka koowaad (sarie A).

Totti iyo Inzaghi, wuxuu tabobaraha Talyaaniga Giovani Trapattoni u doortay inay noqdaan safka hore ee kooxda Talyaaniga u safanaysa ciyaarta ay la yeelanayaan 12 October kooxda Yuguslaafiya, ciyaartaas oo ka dhici doonta Neples iyo tan ay Cardif kula ciyaari doonaan kooxda ku ciyaarta magaca gobolka Wales ee UK.

 

Totti, wuxuu ku dhaawacmay ciyaartii ay kooxda Roma iyo Udunse ee Roma ku adkaatay 4-1, halka uu Inzaghi ay jugi ka gaadhay lugta bidix oo uu sugayo natiijada dhakhtaradu ay ka bixiyeen.

Inzaghi ayaa lagu qasbay si uu u bogsado inuu ciyaaraha qaar uu ka fadhiisto intuu bogsanayo.

Tabobaraha xulka Talyaaniga Mr. Giovanni Trapattoni wuxuu isagana u yeedhay ciyaaryahanka khadka dhexe ka ciyaara Andrea Pirlo oo ku soo xushay xawaarihiisa orodka ee uu ku ciyaaro iyo goolal dhalintiisa uu muujiyay ciyaarihii u dambeeyay.

 

Goolhayaha kooxda Milan, Christian Abbiati ayaa isna ka mid ah ciyaartoyga Talyaaniga ee uu tabobare Giovanni ku wargeliyay inay ka tirsan yihiin liiska xulkiisa, waxaana la isku raacay in goolhayaha uu soo xushay Giovanni uu ku habboon yahay goolhaye buuxin kara xulka Talyaaniga.

 

Midnimada Ay Muujiyeen Dhalinyarada Ciyaaruhu Ururada Siyaasaduna Ha Muujiyeen

Marka hore waxaa mahad leh Allaheena wayn ee Waaxidka ah.

Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland waxay muujiyeen ama ay ka turjumayaan, midaynta iyo horumarka Somaliland taasoo ay ku kulmeen guud ahaan gobolada Somaliland magaalo Madaxda G. Hargeysa tiradooduna ay dhamayd 350 dhalinyaro ciyaartoy ah, waxayna ku bilaabantay farxad waana ku dhammaatay. Farxad iyo is dhexgal guud oo ay ku dheehantahay midnimo.

Haddaba arrintani farxada badani ayaa muwaadin kasta oo reer Somaliland ah uu aad iyo aad ugu mahad naqay horumarka uu dalkiisa iyo dadkiisuba ay muujiyeen.

 

Mida kale waxay cadayn u tahay oo aan qarsoomi karin horumarka ay gaadhay J. Somaliland taasoo uu caalamku dareemi karo dedaalka ay gaadhay ee ay kula tartami karto wadamada dariska la ah J. Somaliland taasoo uu caalamku ku tlimaamo maalinba maalinta ka dambaysa kuwo usoo jeeda nabadgelyada iyo horumarka dalkooda iyo dawladooda.

 

Mida kale waxaanu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo nagu deeqay kulankii ciyaaraha gobolada lacag dhan 13000 kun oo dollar. Waxaana odhan karnaa waa mid jecel horumarka dalkiisa iyo dadkiisa wuxuuna naga mudanyahay mahad celin.

Waxaa kale oo aanu aad iyo aad ugu mahad celinaynaa maamulka shirkada Dahabshiil.

Mudane Maxamed Siciid Ducaale, oo ah muwaadin jecel horumarka dalkiisa waana shaqsiyaad jecel wax kasta horumar lagu gaadhayo. Waliba waxa u dheer isaga soo dhawaynta dhalinyarada duqayda Somaliland aqoonyahanada Somaliland iyo dhammaan bulshada inteeda kale. Balse waxaan ku rajaynayaa in uu Ilaahay inoogu wado horumarka aanu hayno maanta ururada siyaasiduna ha muujiyeen midnimo midhaheeda la taaban karo. Waayo waxaan taaganahay maanta haddii aanu nahay J. Somaliland wakhtigii midhaheeda aynu guran lahayn. Markaa inta midhihii inoo korayaan waa ururada siyaasidu ay mustaqbalka iyo midnimada xaq-dhawraan. Ilaahayna labo talaba tii roon ha ina waafajiyo amiin.

1.       Faysal Muuse Cabdi AfhayeenkaDhalinyarada G/Hargeysa

2.       Amiin X. Cige Aadan Afhayeenka Dhalinyarada G/Awdal

3.       C/Xakiin Aadan Ismaaciil Afhayeenka Dhalinyarada G/Saaxil

4.       C/Kariim Jaamac Cabdi Afhayeenka Dhalinyarada G/Togdheer

5.       Maxamed Dacar Aadan Afhayeenka Dhalinyarada G/Sanaag

Caynaan Axmed Cabdi Afhayeenka Dhalinyarada G/Sool