Haatuf News

 

Issue: 178________________________________ October  , 2002

 

Badheedhaha

X

idhiidhka ka dhexeeya dadka u dhashay waddankaas oo ay u wada qaban karaan hawlaha iyaga oo isugu yimid sifo qudha oo ah inay yihiin muwaadiniin u wada dhashay qaranka ay u shaqaynayaan waa astaan ka mid ah rumaysnaanta jiritaanka qaranimo.

Waxaa is-weydiin leh, waa wasiiro ka tirsan dawladda Somaliland, waxaa inta badan ka muuqata dad ay yihiin ehel dhow oo u qabta shaqooyinka aadka ugu xeeran sida dirawalka gaadhiga u wada, xoghaynta, ilaaliyaha iyo qaarkood oo ilaa u dhiibta mas’uuliyadaha ugu muhiimsan hay’adda uu madaxda ka yahay qof ay haybta qabiil wadaagaan.

 

Mark,a la eego dhaqanka noocaas ah ee ka muuqda wasiirada Somaliland qaarkood. Macnuhu ma waxa weeyi aniga beel ayaa la igu soo doortay, markaa beeshayduun baan aaminsanahay oo ku aamini karaa hawlahaas.

Arrintani waxay sababtaa qorista shaqaale aan loo baahnayn oo la qoro hay’adaha dawladda marka la magacaabo mas’uul inuu ku dhaqaaqo sidii uu u qori lahaa shaqaale sida darawalka oo uu ka dhigto inankiisii ama mid uu u adeer yahay, xoghaynta oo uu ka dhigto inan ama gabadh uu adeer u yahay, ilaaliyaha nabadgelyadiisa oo isna sidaa si le’eg noqda qof u ehel ah, marka hay’addii dawladda ee dhawr mas’uul iska beddelaan, waxaa dhacda inay ku soo korodho tiro-hawlwadeenadaas ah oo ku yimid sifahaa aynu sheegnay.

 

Su’aalo badan ayaa la is-weydiin karaa haddii qaranimada Somaliland uu wasiirkii ka tirsanaa dawladdu sidaa u dhaqmo. Ma wuxuu dhiiri-gelinayaa qaranimo, mise qabiil, haddiise uu isagoo wasiir, guddoomiye, ama Maayor iwm ka ah uu haddana aad u rumaysan yahay dhaqankaa qabiilka aadna ugu kalsoon yahay ma keeni karaa talo wax-tar u leh qaranka.

Waa la fahmi karaa in hab-dhaqankani uu la jaan-qaaday beelo wax ku qaybsigii iyo xilalka oo lagu magacaabo sifo beeleed, laakiin waa lagama-maarmaan in ku dhaqankeedu aanu daawo u ahayn qaranimada, in maskaxda lagu hayo oo ay jireen hay’adihii uu mas’uulku ka dalban jiray hawlwadeenada uu u baahan yahay ama uu ku kalsoonaado shaqaalaha hawlahaas qaban jiray ee uu ugu yimid hay’adda loo soo magacaabay.

 

Mas’uulka iyo hawlwadeenada la shaqeeya oo ka kala yimid degaamo kala duwan oo Somaliland ahi, waa astaaan wanaagsan oo laga arki karo qaranimada Somaliland, haddiise ay sii ahaato sidan waa tusaale lid ku ah qaranimada oo keeni kara kala qalood iyo hay’adda reer hebel ama wasaaradda reer hebel.

Waxa la odhan karaa waa dood macquul ah, haddii la yidhaahdo wasiirada dawladda Somaliland waa in iyagu ay ugu horrayn tusaale fiican u noqdaan midnimada iyo is-dhexgalka dadka reer Somaliland ee ku kala nool degmooyinka iyo gobollada.

 

Arrintan oo hal-beeg u noqon karta daacadnimada mas’uulka ee ummadda uu u shaqaynayo inay u siman yihiin oo aanu kala dhoweysanayn.

 

Waxtar weyn ma leh tix-raaca sida goorta iyo sababaha keenay inay inta badan mas’uuliyiintu soo dhoweystaan hawlwadeeno ay isku qabiil yihiin, ama ehel dhow oo ay aabo ama adeer u yihiin. Laakiin waxaa qiime samaynaya dhaqankaasi ma yahay mid dhiir-gelinaya sinnaanta iyo midnimada muwaadiniinta Somaliland? Muxuuse ku biyo-shubanayaa? jawaabta weydiimahaas ayaa ta hore si fudud u noqonaysa maya, waayo hawsha uu mas’uulku hayaa waa mid qaran ee ma aha mid qoys iyo ehelo. Tan labaad waa arrin muujinaysa in aan shaqada loo sinayn, taas oo ah caddaalad darro, dhinaca kalena waxay tahay musuq-maasuq sifaha si deg-degga uu mas’uulku shaqo u doonayo qofkan ay ehelka yihiin, iyada oo ay jiraan dad badan oo leh waayo-aragnimo iyo aqoon ka badan marka la bar-bar dhigo inanka ama inanta uu wasiir, guddoomiye, Maayor ama madax kale oo hay’ad dawladeed uu keenay isaga oo gacanta haya.

Dhinaca kale, shaqada oo la isu qoro yaad taqaanaa, waa arrin aad qayb weyn uga ah musuq-maasuqa, waxaana ka wanaagsan iyada oo shaqooyinka la isu qoro maxaad taqaanaa.

 

Sheeko

Q:12aad

H

akad ayaa yara galay ballanadii Luul iyo Najiib, sidaas ayaanu Najiib Luul ugu booqan jiary guriga reerkooda, inta badana wuxuu u sii qaadi jiray casho kalluun ama digaag ah iyo cabitaanka cambe-laf la miiray ah (Mango), waxaana sidaas ugu ballansatay Luul. Inta badan ilaa tobanka habeenimo ayuu la soo joogi jiray booqasho hebeen-dhaaf ah.

Najiib wuxuu barqanimadii dambe sooo maray saaxiibadii Jaamac Irbad iyo Cali Suudaani, si uu u soo tuso gurigiisa, sidii ay ballantu ahayd intii ay sii socdeen dhinaca guriga Najiib ayay Najiib ka waraysteen hawlihiisa guurka, wuxuuna Najiib u sheegay inuu dhowaan aqal-gelayo. Jaamac Irbad ayaa yidhi; “Najiib aqalgal-kaagu deg-deg badanaa, meherkii miyaanu isla sannadkan aanu ahayn.” Najiib oo yara dhoola-cadaynaya ayaa yidhi; “waar dee waxbaa soo kordhay oo uur ayay leedahay, markaa quruxdu waa in hore aan u guri-galo.”

 

Jaamac Irbad ayaa eegay Cali Suudaani oo yidhi; “Maxaan ku lahaa Caliyoow, sowkaa durba Najiib ka fikiraya ilmaha u dhalan doona Gurigii uu ku dhalan lahaa. Maxay Caliyow mijin qaada raadinteeda, cunisteeda iyo mirqaan la meeraysigeedu uu qayrkeen inaga reebay. Waa kaas oo Najiib wuxuu noqday reer Najiib xaas iyo carruur wiil iyo gabadh wixii ay gabadhaasi u dhashaana waa barwaaqo, inagay inagu hadhay Cali Suudaaniyow.”

Jaamac Irbad ayaa soo khatimay hadalkaa uu waanada uga dhigayay Cali, Najiibna u ahaa hambalyada, laakiin Cali Suudaani muu ka garaabin taladii Jaamac, wuxuuna yidhi; “Muxubada deg-dega ah saaxiib Jaamacow waan kugu ogaa guur iyo carruur ayaad ka sheekaynaysaa, sideenu carruurta odhan ma indhahaanu kala bixi, shaqo iyo lacagi toona nama soo gashee, wax mijinta iyo sigaarka dheeri, ma Najiib Xaaji Cali oo Cawo ku indh-kuulato oo kalaad na barbar dhigaysaa.”

Najiib oo fahmay in Cali Suudaani xaggiisa kaftan u soo leexinayo ayaa yidhi; “Waa jirtaa oo kolay hooyo carruurteeda way ku indho-kuulataa, laakiin waadigii ogaa inaan anigu sidayda u xoogsi tegay, haddii aad xagaa guurka u baydhasana Jaamc baa talo ku siiyay, laakiin anjigu kharashka ayaan qayb weyn kaa bixin.”

Sheekadii waxaa joojiyayay soo gaadhidii guriga Najiib, may soo degin ee dushuu ka tusay, waanu horjoojiyay Najiib gurigiisii, kadib way iska dhaqaaqeen.

 

Cali Suudaani oo fahmay in kaftanka maanta ay saaxiibadii Jaamac iyo Najiib ay isku dhinac yihiin oo aan doodiisu taageero haysan marka la eego saddexdooda oo ay laba isku dhinac tahay, ayaa waxaa sheekadii dib u fur-furay hees ka socotay rikoodhka gaadhiga Najiib oo ay wada heesayeen saddex hablood oo ku kala duwan aragtiyaha nooca raga iyo mid walba sida ay doonayso; “waxaa aniga ila roon raga taajiriinta ah kala rogaya lacagtiyo raasamaaliyiinta.” Inanta kalena ay leedahay; “waxaa aniga ila roon ruuxa aad is rabtaan fiidkii wada riyaaqdaan, raas iyo jaas isla tumataan keligiin…” inanta saddexaad ee heesta ayaa iyadu raacsanayd hiddihii hore ee dhaqankeena oo ahaa sida qudha ee kulan wiil iyo gabadh uu ku dhici jiray in ay ahayd guurka, waxaana aad u yaraa sifo kale oo suurta gelin kiara in ay wiil iyo gabadhi kala muraadsan karaan, in arrintu xilligan sidaa hore ee hiddaheenu ahaa ay ku koobnaato guur waa mid xilligan leh faa’iido badan marka la eego cuduro halisa oo soo baxay sannadahan dambe.

 

Cali Suudaani ayaa doodiisii ku saleeyay sidii heesta saddexda hablood, waxaanu yidhi; “anigu inantaas sheegtay in fiidka la is raaco ayaanu isku dhinac nahay, markaa idinkuna tiina haysta.”

Jaamac ayaa kaftankii hoos ugu dhigay Cali Suudaani, wuxuuna yidhi; “Haddii ay taasi faa’iido soo kordhinayso imisaad fiid raacday, mijahaa dhuudhuuban ayaa kaa soo hadhay, waadiga aan laba tallaabo socon karayn ee yidhaahda gaadhi ina saar, maxaa kaaga kordhay khasaare 100-jibaaran inay tahay adba waad ogtahaye, intaa waxaa dheer intaad inan yar oo uguba been u sheegtay ee aad karkaarka weydaarisay.”

Cali Suudaani ayaa garabka taabtay Najiib, wuxuuna u raaciyay u jooji inantaa aan sii qaadnee, waa Canab indha-jacayl.

Najiib oo hadda aan jeclayn dhaqanka noocaas ah ayaa isaga oo ixtiraamaya Cali Suudaani ag joojiyay gaadhigii inantii. Cali Suudaani ayaa intuu qoorta kala soo baxay gaadhiga yidhi; Canab soo fuul aanu ku sii qaadnee, xaggeed u socotay.

Canab oo gacanta u taagtay si ay u tilmaanto jihada uu gaadhigu u socdo ayaa la isla af-gartay inay u sii qaadaan dhinicii ay u socotay.”

Markii ay gaadhiga soo fuushay Canab ee ay fadhigii isku xigeen Cali Suudaani, gaadhigiina dhaqaaqay ayuu Jaamac Irbad ku bilaabay si uu sheekada u furo; “Sawdigii lahaa imika guur dooni maayo, maxaad ka idha-jacaylsanaysaa.”

 

Cali Suudaani oo dareemay inuu Jaamac maanta uu u soo biyaystay oo weliba ka hayo kaftanka meel aanu Cali Suudaani waabin Karin, ayaa yidhi; “Ma aniga iyo Canab ayaad isku kaaya diraysaa, waxaan kugu idhina ma jirine.”

Canab oo cod xabeeb leh iyo dhoola-caddayn ilko cas-cas ayay ku tidhi, isna raacisay ; “habeenkii markaanu wada joogno Cali guurka wuu doonayaa, laakiin maalintii markuu idinka idinla joogo ma wuxuu yidhaa waxba ma guursanayno.

Allaylehe sir baa baxsatay,” Najiib oo la dhacay sida ay jawaabta Canab u tahay mid runta u dhow ayaa qosol ku taageeray erayadii Canab. Waxaa la soo gaadhay halkii ay ku dagi lahayd Canab.

Cali Suudaani, ayaa ku tuuray erayo uu leeyahay Canab waa inoo caawa iyo halkii, laakiin Canab oo aan jeclaysan sida faashilan ee uu u yidhi hadalka iyo kaftanka Canab oo ahaa runtii oo la qaboojiyay, waayo Cali Suudaani muddo 7 sannadood ah ayay isla soo jibaaxayeen Canab sheeko aan marna lahayn dhammaystir, waxaa kale oo ay Canab ogayd in aanu Cali Suudaani ku koobnayn keligeed jacaylka ka dhaxeeya iyada iyo Cali Suudaani ee aan hoyga iyo meelo uu ku hirto lahayn. Toddobadaa sannadood xidhiidhkooda waxaa kulan u ahaa meelo aan ku habboonayn in uu fadhiisto qof rajo fiican ka leh nolosha mustaqbalkiisa, sida sees guri geed hoostii, qof gurigiisa oo furaha laga yara qaato iyo habeen uu u soo dusiyo qolka uu ka galo gurigooda. Arrimahaas oo is biirsaday ayaa keenay in ay Canab tidhaahdo maya caawa isma arki karno. Cali Suudaani oo gaadhiga aad luqunta ugala soo baxay ayaa yidhi; “Habeen dambe.” Laakiin Canab oo sii socota ayaa ugu jawaabtay farta oo ay u lushay jawaab maya ah.

Najiib iyo Jaamac Irbadba waxay ogaayeen in aanu Cali Suudaani daacad u ahayn Canab ee uu xidhiidhka uu inantaa la leeyahay uu yahay muraadsi gaaban. Sidaas daraadeed way ku diirsadeen geesinimada ay Canab gaashaan ugu daruurtay ballan aan u soo sidin faa’iido, laakiin u leh hagar-daamo iyo hantaaq nafteeda ah.

 

Cali Suudaani cadho awgeed ayuu jiq iska siiyay, isaga oo ku eedaynaya Jaamac Irbad inuu fidmo dhex-dhigay isaga iyo saaxiibadii Canab indho-jacayl, waxaanu yidhi isaga oo cadhaysan Cali Suudaani; “Illayn nin Jaamac la joogaa waa qof mas weheshaday, adiguun buu kugu maqan yahay.”

Maadaama soo qaadistan Cali Suudaani iyo Jaamac Irbad ay ahayd raali-gelin uu Najiib u samaynayay Cali Suudaani, wax erayo ah oo dambe kumuu darsan arrintaa Najiib, laakiin wuxuu siiyay wixii baahi maalmeed ku filnaa maalintaa saaxiibadii, sidaas inay isu soo booqdaan, maadaama ay arkeen guriga Najiib hadda galo ayayna ku kala tageen maalintaa.

 

Garoonka lagu furi doonoj ciyaaraha Yurub

 

G

aroonka kubadda cagta ee lagu qaban doono furitaanka koobka horyaalada Yurub ee 2004 oo uu dhismihii ka socday yara istaagay ayaa la filayaa in uu dib u bilowdo dhismihii ka socday. Sidaas waxa sheegay saraakiishii hawshaas waday magaalada Libson ee xarunta Bortaqiiska (Portugal) maalintii Arbacadii ee toddobaadkan.

Garoonkaas oo loogu magac-daray Studio du Luz (garoonka ilayska), waxaa rajada ah in dhismihiisu dib u bilaabmayo sheegay Mario Dias oo ah guddoomiya ku xigeenka kooxda Benfica ee Portugal.

Garoonkan oo leh kuraasi tiradoodu dhan tahay 65,000, waxaa dhismihiisa wadda shirkadda SOMAGUE Construction Company oo uu af-hayeen u hadlay maalintii Salaasadii ee toddobaadkan uu sheegay in ay u joojiyeen dhismaha, kadib markii la siin waayay lacag ka mid ah tii ay ku qaateen kharashka qandaraaska dhismaha ee garoonkaas.

Garoonka Studio du Luz, waxaa loogu talogalay inuu martigeliyo ciyaaraha Yurub 21 bilood gudahood oo uu dhismihiisu dhammaado intaa kahor.

Joogsiga dhismaha garoonka du Luz, wuxuu ku beegmay iyada oo toddobaad qudhi ay ka hadhsan tahay booqasho ay ku tegayaan guddiga xidhiidhka EUFA u qaabilsan hubinta dhismayaasha 10 garoon oo ku yaal Portugal oo lagu qabanayo ciyaaraha 2004 ee horyaalada Yurub, iyada oo ay ka dhici doonaan.31 ciyaarood.

 

Portugal waxay ku dhisaysaa garoomada ciyaaraha ee lagu qabanayo tartankaas lacag dhan 50 milyan oo lacagta Yurub ee Euros ah, una dhiganta 539.7 milyan oo dollar, taas oo ay dawladda Portugal ka bixinayso kharashkaas rubuc ka mid ah.

Warka arrintan garoonka oo ka mid ah kuwa loo diyaariyay ciyaaraha Yurub ee 2004, waxaa kaloo ka mid ah in shirkadda SOMAGUE ee hore u waday dhismaha garoonkaas in laga wareejiyay qandaraaskii dhismaha garoonka, iyada oo la siiyay qandaraas kale oo ah dhisme guryo u dhow garoonkaas Studio Du Luz.

 

Ciyaaryahanka reer Brazil ee Luciano

 

M

ilan (Reuters) – Ciyaaryahanka baalaha ka ciyaara ee reer Brazil Laciano, una ciyaara kooxda Chiavo ee Talyaaniga ayaa daboyaaqadii toddobaadkan la siiyay xukun ganaax iyo ciyaaraha oo uu muddo ka fadhiisto isugu jira.

Luciano waxaa laga xayiray ciyaaraha muddo lix bilood ah iyo lacag dhan 150,000 oo Euro una dhiganta 145,000 oo dollar, kadib markii lagu eedeeyay inuu ciyaaraha kaga qaybgalay magac been abuur ah.

Xukunaas waxaa go’aamiyay guddiga asluubta ee xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga. Wakaaladda wararka ee ANSA ayaa sheegtay in guddigaa xukumay Luciano ay sheegeen in ay ganaax dhan 75,000 Euro ($74,000) ay midkiiba ganaaxayaan kooxaha Chiavo iyo Bologna, iyaga oo lagu eedeeyay inay si dadban ugu lug yeesheen khaladka anshax ee uu galay Luciano.

 

Dembi-baadhaha guddiga asluubta ee xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ayaa sheegay in Luciano magaca loo yaqaanay uu ahaa Eriberto oo hore laba sannadood ciyaaraha looga fadhiisiyay.

Luciana wareegii hore ee ciyaaraha ayuu sheegtay magaca ah Conceicao Silva oo ah magac uu been-abuuray, isaga oo sheegtay 16-jir, markii ay da’diisu ahayd 20-jirka, wuxuuna sidaas ku galay naadiga Palmeiras ee Brazil. Laba sannadood kadib wuxuu ku soo biiray naadiga Talyaaniga ah ee Bologna, kadib wuxuu Luciano u wareegay Chiavo.

Luciano oo arrintan ka hadlayay wuxuu yidhi; “Waan u sharraxay wax waloo dhacayba, waxaanan filayaa inay fahmaan ujeedadu waxay ahaydba ee keentay in aan beddelo aqoonsigaygii. Waxay ahayd tallaabo khalad ah, waanan filayay ganaaxan, laakiin cidna dhibaato umaan geysan, waxaanan rajaynayaa in si deg-deg ah ciyaarta ahaan ugu soo noqdo.” Luciano wuxuu sidaa ugu warramay wakaaladda wararka ee ANSA.

 

Raul oo ay u suurto-galayso …

 

W

eeraryahanka kooxda Real Madrid ee Raul ayaa shaaca laga qaaday inuu u safan karo dalkiisa Spain ciyaaraha is-reebreebka koobka horyaalada Yurub ee 2004 ka dhici doona Portugal.

Raul wuxuu dhakhtarka kooxdiisu Genaro Borras sheegay in aanay waxyaalo sidaas u weyni gaadhin jugtii soo gaadhay mid ka mid ah ciyaaraha uu u saftay naadigiisa.

Raul oo ah kabtanka xulka Spain wuxuu laangadhaystay ciyaartii Real Madrid 1-1 ka ku kala baxeen Real Betis oo goolka uu u dhaliyay Raul naadigiisa Real Madrid.

Rajada Raul inuu ciyaarayo oo aanu ka fadhiyayn kulanka Waqooyiga Ireland, kooxda ka socota iyo Spain dhexmari doonta maalinta sabtida waxaa shir-jaraa’id uu ku sheegay dhakhtarka kooxda xulka Spain Mr. Borres maalintii Arbacadii isaga oo jooga halka uu tabobarku uga socdo kooxda ku safanaysa magaca dalka Spain meel u dhow magaalada Valencia waxaanu yidhi; “Haddii aanan aniga iyo dhakhtarka naadigiisu aanan hubin in uu ciyaari karo waxaan u diri lahayn si uu iskaga joog gurigiisa, laakiin ma xaqiijin karno inuu ciyaari karo dhammaan 90-ka daqiiadood ee ciyaarta.”

Dr. Borres isaga oo sii wata warbixintii uu weriyeyaasha ka siiyay xaaladda caafimaad ee Raul waxa kale oo uu yidhi; “Waxaanu u diyaarinaynaa baanasho dawo oo gaara, labada maalmood ee soo socdana si gaara ayuu u qaadan doonaa layliga ciyaareed.”

 

29 gool ayuu dhaliyay ciyaarihii dalkiisa, waxaanu ka mid yahay ragga hoggaanka u haya gool-dhalinta kooxaha Spain. Waxaa Raul uu saxaaxay 2dii gool ee ay Spain kaga badisay kooxdii Giriiga ciyaartii ay ku bilaabeen isreeb-reebka horyaalada Yurub ee 2002.

 

Xadhiga C/Jabane Ma Xaq Baa Mise Waa Xaqdarro?

 

Maaha markii u horeysay ee ninka kor ku xusan la xidho. Waa markii 8aad waxaana Xidhay oo daba-socda, niman aan la garanayn waxa uu ka haleeyay, ama uu ku sameeyay. Waa niman isku beela, oo isku bahaystay ninkan xadhigiisa, waligoodna daba-socday, imika ninkani uu xidhan yahay, wax uu u xidhanyahayna garanmayno, nin nimankan ka mida ayaa la yidhi wuu wanjalay, wax wanjalaad la yidhaana socon mayso, waayo tan horaa looga gilgishay oo heeryadeedii laysaga tuuray, cadayn baana loo baahan yahay, waxaan cadayn lahaynina ma socdo adduunka oo dhan, (over the world). Markaa hadaanu nahay muwaadiniinta waxaanu leenahay hadday Xukuumadda tahay iyo hadday kuwii xidhayba tahayba, ha la noo sheego wuxuu ninkani ku xidhan yahay, haddii la noo sheegi waayo arrinku wuxuu yeelan doonaa waji kale, oo lagama maarmaan ah in la qaado, waayo maah-maah soomaaliyeedbaa tidhaahda (Rag ciil cadaab buu ka doortay) anigu ma diidani xadhiga, waayo xadhiga waxa loo sameeyay ragga, ee waxaanu diidanahay xadhiga cadaalada ka fog ee ay nimankani la bariinsadeen ninkan, anigu waxaan nimankan u sheegaynaa ama leenahay haysku kaaya soo jeedinina oo ha nagu kalifina in aanu ku dhaqaaqno waxa aanu ka xishoonayno, laakiin aad malaha idinku doonaysaan, waayo soomaalidu waxay tidhaa, balaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeediyo,. Haddaba ninkan la Xidhay waa kuma ninkani waa sarkaal ka tirsan Ciidamada Qaranka JSL. Magaciisa oo saddexana waxa la yidhaahdaa C/Raxmaan Xasan Maxamed, waxaanu ku magac dheeryahay C/Jabane, waa nin akhlaaq wanaagsan oo dadnimadiisa iyo odaynimadiisuba aad u wacan tahay, oo aad loo yaqaano, waa nin geesiya oo col kar ah, ta kale waa nin mujaahida oo ka tirsanaa inamadii u horeeyay ee ka dhiidhiyay dhibaatadii uu kalidii taliye, Siyaad Barre ummaddan reer Somaliland ku hayay, waxa uu ciidamadii SNM ku biiray sanadii 1981kii, wuxuuna kaga biiray magaalada Kaam-Haashim ee Koonfur bari ka xigta degmada Bali-gubadle. Haddaba ninkani waa ninkaa, taariikh baanu dalka ku leeyahay aan la helmaami karin, ragga isaga maanta haystaana, waa niman la garanayo, waxay yihiin iyo waxay ahaan jireen. Markii ummadda reer Somaliland halganka ku jirtay. Markaa haddal iyo gunaanad xadhigani ma xaq baa mise waa xaq darro, wakhtigaas sheegi doona.

 

C/Raxmaan Axmed XuseenHargeysa

Madaxweyne Geele Ma Ka Faa’iidaysan Doonaa Somaliland, Ka dib markii uu ku khasaaray Soomaali-weyn?

 

Dalka Jabuuti waa dal dadkiisa iyo dhulkiisuba aad u yar yahay, marka loo eego dalalka ku xeeran, maadaama uu Haddaba dalkani sidaas u yaryahay, khayraadkiisa dabiiciguna aad u yar yahay, ayna jirin wax uu dibadda u dhoofiyaa, dhaqaalaha wadankani wuxuu ku taagan yahay dekedda. wadankani uu leeyahay taas oo ah isha-qudha ee laf-dhabarta u ah dhaqalaaha Jabuuti. Jabuuti waa dal cimiladiisu ay xuntahay, wakhtiga kulaylahana waxa dhaca hanfi dadka reer Jabuutina waxa ku khasaba wakhtiga kulaylaha sanadkasta in ay ka xaggaa baxaan dalkooda, oo ay u xaggaa baxaan wadan cimiladiisu qabawdahay, wadamada reer Jabuuti u xagga bixi karaan waxa ugu dhaw Somaliland oo ah wadan xuduud la leh dalka Jabuuti, Somaliland xaggaa kasta waxay qaabishaa dadyow fara badan oo reer Jabuutiya oo soo xaggaa baxay. Dadkaasi waxay ku nastaan oo ay ku nafisaan leydha qabow iyo naacowda dalkan Somaliland Ilaahay ku manaystay. Haddaba maadaamaa u dalka Jabuuti sidaa aan kor ku sheegnay yahay, waxa lagama maarmaan ah in uu xidhiidh fiican lla yeesho wadamada jaarka la ah, si uu uga faa’iidaysto khayraadkooda iyo waliba sidii uu ula yeelan lahaa xidhiidh ganacsi oo dhinac walba leh. Madaxweyne kasta oo wadankaas hogaanka u qabtaa waxa ku waajib ah in uu wadankan yar ee bilaa khayraadka ah, u sahan tago oo uu u soo sahamiyo wadamada khayraadkoodu iyo dhaqaalahooduba fiican yahay, sidii wadankiisan yar iyo wadamada hodanka ah uu isagu ku xidhi lahaa uu ku dedaalo. Ismaaciil Cumar Geelle oo ah imika madaxweynaha wadankan yar ee Jabuuti, ayaa markii la doortay wuxuu isku dayay in uu sahankiisii u horeeyay ka dhigo sidii uu dawlad uga dhisi lahaa wadankii hore ee Soomaaliya, oo horeba wadamo ka waaweyn Jabuuti oo ka dhaqaale rooni ay dawadiisii waayeen una maaro waayeen. Ismaaciil Cumar Geelle sidii kuwii horeba ayuu ku fashilmay in dawlad loo dhanyahay ka dhiso Soomaaliya. Haddaba imika miyayna ahayn Ismaaciil Cumar Geelle in uu ictiraafo Jamhuuriyadda Somaliland kana faa’iidaysto, ka dib markii uu ku khasaaray xiisihii uu u qabay Soomaali Weyn?

C/Casiis Maxamed Yoonis (Ansaari) Hargeysa,

 

Xukuumadda waxan ku adkaynayaa wax ka qabashada Dhaqanka Suuraya, iyo Soo Galaytiga Xad-dhaafay

 

Waa aragti muwaadin oo xambaarsan ka hortaga dawladda Somaliland oo ka kooban saddexda gole qaran, Golaha Xukuumadda, Golaha Guurtida, Golaha Baarlamaanka oo Gudoomiye guudna uu ka yahay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxan ku adkaynayaa in loo gurmado meesha uu maanta marayo dhaqankii wanaagsanaa ee bulshadan Somaliland lahayd waxanad ka warqabtaan dawladnimo inay tahay ummad leh caqiido, dhul iyo dhaqan u gaar ah, dawladuna tahay Ilaaliyaha guud ee u adeega umadaasi Sidaasi darteed waxaynu nahay dal umadiisu isku caqiido tahay isku dhaqan ah qoomiyad qudhana ka soo wada jeeda sidaasi darteed waxan Madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin ku dhiiri galinaynaa in si deg deg ah loogu hawlgalo toosinta dhaqanka ummadan oo il gaarana lagu eego qolyahan soo waarida ka ganacsia huga qaawanaanta ah ee ay ku bandhigaan gaaladu jidhkooda, iyo dabar goynta mukhaadaraadka idinkoo ka hirgalinaya sharcigii ay ansixiyeen G. wakiilada SL intaasi waxan ku darayaa wax aanay bulshadi hoosba u eegin laakiinse waxyeeladooda lagu dareemay, waana dadkan qoxootiga ah ee xad-dhaafka in loo sameeyo xerooyin lagu khasbo hay’adaha UN-ta inay quudiyaan, waayo way ka bateen wax dawaro ku yimid waxan ku soo gebgebaynayaa Madaxweyne wacyi gelinta shareecada islaamku ina farayso waxad u wakiilataa, culimadan kala ah Sh. Xasan C/Salaan iyo Sh. Maxamed Cumar Dirir, oo markasta ku hawlan wax u sheegista ummadda si ay wax weyn uga bedelaan dhoohnaanta ku dhacday dadka ee dhinaca sharciga Islaamka, culimadaasina waxay kaa badbaadin guddi aan wax qabanayn oo gunno doon ah waxanad codsataa inay caasimadda ilaa gobolada dalka ku maraan safar wacyi galin ah oo Wasaaradda diintuna kala qayb gasho sida ixtiraamka diintu tahay

Mowliid Aaden Cumar Hargeysa

 

Maalinta Xuska Boosaha Adduunka 9th October

Maalinta 9ka October waxa adduunka oo dhan laga xusaa sanad walba maalinta Boosaha adduunka. Sanadkana dhammaan Caalamka oo dhan waa laga xusayaa marka laga reebo dalkan Jamhuuriyadda Somaliland. Sababta aan looga xusayna waxay tahay iyadoon wax adeeg booseed ah dalka ka jiraa jirin. Haddaba iyadoo waqtigan xaadirka ah ay jiraan habab casri ah oo la isku gaadhsiiyo wararka sida taararka, telephoonada, faxyada, Tlxka, internetka, iyo Emailka, adeega boostadu (postal service) si fiican ayay dunida uga shaqaysaa, dhammaan waxa gacanta ku haya dawladaha marka laga rebo kambaniga boosta degdeg ah ee DHL. Markaynu ka tirsanayn dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxaan dhammaan isku lahayn 84 boosood, halka tuulada yar oo ka tirsan degmo ka mid ah gobolka Karnataka ee dalka India ay leedahay 90 boosood in ka badan. Sida inoo muuqata iyadoo markii horeba dib u dhac wayni jiray ayaa burburkii ku dhacay dalkan Somaliland ayay boosuhuna ka mid ahaayeen. Markii dalka dib loo xoreeyay furo, is fiicana way u shaqaysay Hargeysa Berbera, Burco Gabilay iyo Boorama Wargeyska Jamhuuriya maqaal dheer ayuu ka qoray furitaanka boosta Hargeysa, isla markaana waxa qoray wargeys ka soo baxa Maraykanka oo soo qoray maqaal tusmadiisu tahay ahayd boostii Somaliland oo dib loo furay, waxaanu soo sawiray gal warqadeed dusha uu kaga yaal shaabad ay ku qoran tahay (Somaliland Republic & 500 So). Adeegaa boostu wuxuu si caadi ah u shaqaynayay ilaa horaantii 1993kii. Waxaan rajaynayaa in dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay masuul uga tahay wasaaradda Boosta & Isgaadhsiintu ku baraarugto xuska maalintan kuna dadaasho in adeegii boosta dib loo furo iyadoo hubaal ah in si wayn loogu baahan yahay.

Ciise Aw Cabdi Axmed Hargeysa

 

Maxaa Lagu Ilaaway Mujaahidkii Ku Dhaawacmay Budhcadii Isku Dayday In Ay Dhacaan Gaadhiga WFP

Anagoo ka mid ah dhalinyaro Muwaadiniin ah una dhashay Somaliland waxa aanu jecelnahay in aynu ka hadalno dhacdadii dhacday taariikhdu markay ahayd 19/09/02 dhacdadaasoo ahayd budhcadii hubaysnayd ee isku dayday in ay dhacdo gaadhigii hay’adda WFP, gaadhigaasoo uu difaacay Muj. Cawil Cabdilaahi Cismaan oo isla goobtaa meel u dhaw joogay. Isaga oo muujiyay geesinimo iyo wadaninimo isla markaana uu difaacay qaranimada iyo magaca Somaliland oo dhan isla markaana uu ku dhaawacmay isaga iyo qaar kale oo rayid ah kuna dhaceen rasaastii ay soo rideen budhcadaasi markii ay isweydaarsanayeen waxaanu ku guulaystay mujaahidkaasi in uu gaadhigii uu ka dhaawaco mishiinka gaadhiga iyo taankiga isla markaana ay budhcada uu gaadhiga kaga xumaaday meel magaalada duleedkeeda ah iyagiinaa ay baxsadeen. Haddaba dadweynaha waxa isweydiin leh maxaydun u malayn lahaydeen iyagoo budhcadaasi ay ku guulaystaan in ay la tagaan gaadhiga hay’addu ay leedahay? Saaka miyaanay magac xumo aad u wayn inagu noqdeen qaranimada Somaliland sababtoo ah inagoo ku caan baxnay in uu wadankeenu yahay wadan ay ka jirto nabad gelyo taama Ilaahayna ha inoogu wadee.

 

Markaa iyadoo maanta caalamku uu aad inoogu hanweynyahay indhahana uu ku hayo dhaq-dhaqaaqeena dawladnimo markaa ninkaa waxa lagu yeelayo qaranimadeena Maxaa lagu ilaaway, mise waaba la ilaaway?

Haddaba waxaa la yaab leh inagoo aynaan ku arag saxaafada afsoomaaliga ku soo baxa iyagoo ka hadlaya dhacdadaa iyada ah iyo sida aan loo tixgalin mujaahidkaa ku dhaawacmay. Dhaawacaasoo ka soo gaadhay gacanta midig ilaa iyo hadda waxa nagu maqaala ah in ilaa iyo hadda falidh uu kaga jiro gacanta lagana soo saarin.

 

Ilaa iyo hadda dawladda iyo hay’addii gaadhiga lahayd toona eyna waxba u qaban. Waxaa qudha ee aynu maqalnay in uu Taliyaha guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland Xasan Yoonis Habane uu siiyay abaal marin Ciidan oo muhiim ah aad iyo aadna waa aynu ugu mahad celinaynaa waana mid ku dayasho leh isna waxay u noqonaysaa mooral Haddaba waxa aanu leenahay hay’addii WFP iyo dawladuba waa in aanay indho ka qarsan. Mujaahidka Difaacay qaranimada Somaliland oo dhan.

Waana mid ku waajib ah muwaadin xalaala ah oo u dhashay Somaliland inuu difaaco qaranimada wadankiisa hooyo.

C/Xakiin Xasan Cali (Shariif)

Axmed Cabdilaahi  Hargeysa

 

Iftiinka Islaamka

Taariikhdii

Sh. Cali X. Ibraahim Eebbe Raali Ha Ka Noqdee

(Axmed Maxamed)

Wuxuu ku dhashay Laanta Gobka oo imikana loo yaqaan Baliga Guuleed Xaaji oo u dhaxaysa Hargeysa iyo Oodweyne 1905tii.

Sheekhu markuu Quraanka dhamaystay Berbera ayaa Aabihii geeyay “mederasatu Khayrulah” oo nin Suudaaniyi lahaa, dalkana kaligeedbaa nooceeda ku taalay markuu taa dhamaystayna Bulaxaar buu aabihii geeyay oo markaas camirnayd oo culimo waaweyni joogtay kuwaasna culuunta kala duwan ayuu in badan ka qaadanayay, halkaana markuu dhamaystay baadiyaha ayuu ku noqday oo uu muddo soo joogay, ka dibna Hargeysa ayuu ku soo laabtay waxaanu ka furay Mederasadii u horeysay nooceeda, oo inta badana ay ka soo aflaxeen dalka intii hogaanka u qabatay 1952kii oo lagu dhigan jiray Diin, Xisaab, iyo Carabiga. Wakhtigaas oo ummadu ku jirtay jahli, tacasub qabali iyo kala qaybsanaan waxay aad ugu haraadanayeen inay si aad u xeel dheer u bartaan diinta islaamka oo ay guud ahaan wada aaminsanaayeen iyo fanniyada kale ee ay ifka iyo aakhiroba u adeegsan lahaayeen, sida Carabiga iyo xisaabta taas oo ay carabta oo xidhiidh baayacmushtar uu  u dhaxeeyay ay kula xidhiidhi jireen. Inkasta oo markii u horeysay sheekha lagu kacay ilayn wuxuu ka bedelay khadkii iyo looxii ay yaqaaneen oo wuxuu ku bilaabay buug iyo qalin aanay hore u arag kaas oo ay sharaysteen. Hase yeeshee taasi sheekha waxba kamay dhimi jirin, waanu isaga dulqaadan jiray eedaymaha ay u soo jeediyaan ilayn nin indho li’I ma garan karo meesha u xun iyo meesha u wanaagsane.

 

Markii dambe waxay arkeen faa’iidada madarasada waayo magaalada waxa waraaqaha u qori jiray nin kaliya oo caraba oo Axmed Karaani la odhan jiray. Markaasay dadkii ugu soo qulquleen sidii xoolo haraadanaa oo darkii arkay, gelinka dambana sheekhu wuxuu furay xafiis uu dadka waraaqaha carabiga ah ugu qoro, habeenkiina dadka waaweyn ayuu u dhigayay sida waraaqaha carabiga ah loo qoro sheekha halgankiisa la dagaalanka jahliga iyo caqiidooyinka faasid ka ah aad buu u qoto dheeraa. Mucaarad fara badan iyo dagaalo uu ku kaliyaystay baa soo maray marka dambase waa loo soo noqon jiray uun, waxaa xigtay markii Ingiriisku damcay in tacliinta iskuulada rasmiga ah uu dalka ka furo oo aad looga hor yimid oo la isla dhexmarayay Carruurta ayaa lanaga gaalaynayaa, dagaalkaas oo sheekhu ku kaliyaystayna aakhirkii wuu ku guulaystay, waxaanu tagay gobolada dalka oo dhan waxaanu dadka ka wada dhaadhiciyay faa’iidada iskuulada iyo waxa lagu dhigayo iyo sidaan diintooda looga faro galinayn. Inkasta oo sheekha wuu gaaloobayna ay ku yidhaahdeen haddana dheg umuu jalaqsiinayn intaana Gabayo guubaabo ah ayuu waday, kuwaasoo aynaan imika halkan ku soo bandhigi karin laakiin taariikhda sheekha ayaynu ku haynaa taas markii sheekhu ku guulaystay ayaa Ingiriiskii u arkay inaanu nidaamkaas tacliinta aanu marna sheekha uga maarmi karin dabeetana wuu u yeedhay waxaanu ka dhigay guddidii barnaamijka maamulaysay Sidaana waxa sheekha gacanta ugu soo galay hogaankii nidaamka tacliinta ee u horeeyay ee dalka sidaa daraadeed sheekhu wuxuu noqday oo xaq ah “Qaa’idkii u horeeyay ee dalkeena ugu horeeyayna  waxaa lagu bilaabay ardaydii malcaamadii sheekha. Sheekhu muddo fara badan ayuu macalin soo ahaa isagoo ku dhegenaa mabada’iisa umaddiisa ah inuu jahliga ka saaro iyo in nin wax yaqaanaa uu gumaysi iska ridi karo aniga oo soo gaabinaya doorkiisii Waxbarashada waxanu ku soo xidhayaa tixdan abwaan Dacar “curadkii tacliintiyo kuwii diinta u halgamay noo ciidman weeyaan sheekh cali ibraahimow, berigii cadaawuhu dalka cagaha soo dhigay aynu caamada ahayn caarshe yidhi iskuulada carruurtiina keensada celiyay la wada yidhi casrigii ka taliyee bart yidhi culuuntee, na caynaan weeyaan sh. Cali ibraahim

 

Diyaaradaha Maraykanka Iyo Ingiriiska oo Weeraray Ciraaq

 

B

aqdaad (W. Wararka) Afar qof ayaa ku dhintay Toban kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Ingiriisku ay weerar ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla woqooyiga Ciraaq, halkaas oo 396km dhinaca woqooyi ka xigta Baqdaad.

Isla weerar kale oo ay qaadeen diyaaradahaasi waxay la beegsadeen, Madaarka caalamiga ah ee magaalada Basra oo 260km dhinaca Koonfur bari ka xigta Baqdaad, halkaas oo ay ku burburiyeen raadaar milatari oo ay leeyihiin Ciidamada cirka ee Ciraaq. Afhayeen u hadlay Wasaaradda difaaca ee Ciraaq, ayaa sheegay inuu duulaankani yahay kii saddexaad ee ay diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriisku ku qaadaan Madaarka Basra, kuwaasoo khasaare dhinaca qalabka ah gaadhsiiyay Madaarka, waxa kale oo afhayeenku cambaareeyay weerarada ay diyaaradahaasi la beegsadeen dadka rayidka ee aan waxba galabsan, isagoo ugu baaqay Caalamka in wax laga qabto. Dhinaca kalena waxa socda murankii dalalka waaweyn u dhaxeeyay ee ku saabsanaa xaaladda dalka Ciraaq. Iyagoo Ingiriiska Iyo Maraykanku ku adkaysanayaan in talaabo adag laga qaado nidaamka Sadaam Xuseen. Halka ay dalal ay ka mid yihiin Ruushka iyo Faransiisku ka soo horjeedaan in xoog loo adeegsado wax ka qabashada muranka ka taagan xaaladda Ciraaq. Dawladda Ciraaq ayaa iyaduna u soo jeedisay Maraykanka inay cadayn ka bixiyaan eedaymaha ay u soo jeedinayaan maamulka Sadaam Xuseen isla markaana waxay ku baaqeen inay diyaar u yihiin baadhitaan dalkooda lagu sameeyo si loo hubiyo inay wax ka jiraan eedaymaha ah hubka halista ah oo ay Ciraaq qarsanayso.

 

Askar Maraykan ah oo Ku Dhaawacantay Qarax ka Dhacay Kuwayt.

K

uwait (W. Wararka) Saddex askari oo ka tirsan ciidamo maraykan ah oo dhoola tus ku samaynaya dalka Kuwait ayaa dhaawacmay ka dib markii maalintii shalay qarax ka dhacay woqooyiga Kuwait, halkaasoo oo uu  ka socday dhoola tuska Ciidamada Maraykanku. Qaraxan oo aanay cadayn sababta keentay ayaa khasaare gaadhsiiyay ciidankaasi balse afhayeen u hadlay Ciidanka Maraykanka ayaa sheegay inuu qaraxa keenay gantaal ka hadhay dagaalkii Khaliijka ee 1991kii waxaanu intaa ku daray in mid ka mid ah askarta Maraykanka ee dhaawacantay ay xaaladiisu halis tahay. Safaaradda Maraykanka ee Kuwait ayaa shilkan ku tilmaantay mid ku yimid si aan u kas ahayn taasoo meesha ka saaraysa inuu yahay fal argagixiso. Dhacdadani waxay ku soo beegantay maalin ka dib markii laba ka tirsan Ciidanka Maraykanku ay ku dhinteen weerar ay ku qaadeen dablay hubaysani Ciidamada oo dhoola tus ku samaynayay jaasiirada Filka kaasoo lagu tilmaamay fal argagixiso. Afhayeen u hadlay Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in ragii falkaas geystay ay xidhiidh la leeyihiin ururka Al-qaacida tababarna ay ku soo qaateen dalka Afgaanistaan. Dawladda Kuwait ayaa dhacdadan ku tilmaantay fal argagixiso iyadoo xabsiyada u taxaabtay dad badan oo looga shikisan yahay inay lug ku lahaayeen weerarkaasi. Tani waxay qayb ka tahay dhibaatooyin xidhiidh ah oo maalmahanba soo gaadhayay Ciidamada Maraykanka ee degen dhulka Kuwait, ilaa haddana ma cadda cida ka dambaysay falalkan, balse waxa jira in beryahan dambeba uu soo siyaadayay necbaasho looga hayo Maraykanka dalalka Islaamka gaar ahaan dalalka carabta oo ka soo horjeeda in weerar lagu qaado dalka Ciraaq.


 

“Dawlad iyo xisbi midna wax lama gelin, laakiin…”Waraysi-Carab Ducaale Q:2aad

B

urco (Haatuf): “Hargeysa waan tegayaa, laakiin…”sidaa waxa yidhi Carab Ducaale Cilmi taliyihii u dambeeyey ee ciimadii SNM, oo uu weriye A. Ducaale dhowaan waraysi kula soo yeeshay magaalada Burco oo uu hadda ku sugan yahay, isaga oo ka yimi dalka Jarmalka oo uu muddo sagaal sannadood ka badan ku maqnaa.

Waraysigaa oo aanu qaybtiisii hore idiinku soo gud-binay cadadkayagii soo baxay doraad (Arbaca, Oktoobar 9, 2002), waxa uu Carab kaga hadlay dhinacyo u badan sooyaalkiisii taariikheed iyo ayaamihii halgankii hubaysnaa ee ururka SNM, Laakiin waraysigaa qaybtiisa labaad oo aanu halkan idiinku soo gud-bin doono waxa uu tilmaamo kaga bixinayaa sida uu u arko xaaladda dalka, sida uu yeelayo, waayaha qurbaha, gaar ahaan dalka Jarmalka iyo xaaladda nololeed ee Somalida ku dhaqan, sida qadiyadda Somaliland looga arko Yurubta uu ka yimi iyo waxyaalo kale oo wax laga waydiiyey, laakiin inta aynaan taa u gud-bin Carab Ducaale inkasta oo uu ku dooday inaanay wax jira ahayn khilaafkii saraakiishii meliteri ee SNM lagu tilmaami jirey, hadana waxa uu ka mid ahaa koox saraakiil ah oo ay xukuumadii C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) isku dhaceen, taas oo ay dadka qaar ku doodaan inay salka ku haysay khilaafaad siyaasiya oo hore u soo jirey, laakiin Carab Ducaale taa waxa uu kaga jawaabay “Horta marna may jirin saraakiil laba dhinac ah oo aanu isu haynay, calan cas iyo calan madow toona ma jirin, waxaana dadka ayuun baa bix-bixin jirey xiligaana qaybsankii siyaasiga ahaa waxa uu ka yimi dawladdii markaa jirtey iyo golayaasheedii ee ma ahayn wax ka yimi saraakiil”, laakiin waxa uu intaa ku daray “Ilaa maanta halka ay mushkiladdu ka taagan tahay ee aan u arko inaan guusheedii weli la gaadhin ee mar walba wax laga tebayaa waa dhinicii siyaasadda”    

waxa la waydiiyey waxa uu Jarmalka ka qaban jirey, wuxuuna ku jawaabay “Horta Jarmalka waxaan ku jooga fiise labadii sannadood-ba mar la cusboonaysiiyo, wax camal ahna kama aan qaban, reerkiina waa degan yahay”, laakiin waxa uu ka waramay waayaha nololeed ee dalka Jarmalka iyo xaaladda dadka ajnebiga ah ee ay Somalidu ka mid tahay, wuxuuna yidhi “Nolosha Jarmalku way ku adag tahay dadka ajnebiga ah, maadaama aanay dhaqan ahaan u dhallan, siiba dadka waaweyni, laakiin waxa uu u wanaagsan yahay dhalinyarada, waayo waxa uu leeyahay waxbarasho, dhinaca waxbarashadana lama kala sooco dadka muwaadiniinta ah iyo dadka ajnebiga ah”, laakiin, isaga oo si gaar ah uga waramaya dadka Somalida ah oo ay ku jiraan dadka reer Somaliland waxa uu yidhi “Somalidu guud ahaan way ku yar tahay, inta ku noolina waa qaxooti aanay intooda badani lahayn sharci abadiya, isla markaana waxay u qaybsamaan laba qaybood oo kala ah: qayb lala sugayo inta uu dalkoodii hooyo maamul ka dhismayo, kuwaas oo la siiyo qaadhaanka yar ee qaxootinimada iyo qaybta kale oo ah qayb aan badnayn oo shaqaysata”.

 

Carab Ducaale waxa uu sheegay inay adag tahay sida lagu heli karo baasaboorka Jarmalka, “Waa inuu qofku hayo shaqo rasmi ah oo baahidiisa oo dhan ku fillan”ayuu yidhi.

Carab Ducaale mar la waydiiyey inuu dalka joogayo iyo inuu dib u laabanayo waxa uu yidhi “Horta waa tii la yidhi lama huraan waa Ceel-wiyeer ah, sidaa darteed waxaan imi dalkaygii hooyo oo laga maarmaan ah, waana joogayaa, laakiin waa laga yaabaa reerka soo eego oo Jarmalka ku laabto”, laakiin waxa mar kale la waydiiyey sida uu u arko xaaladda Somaliland, maadaama uu sannado door ah ka maqnaa, wuxuuna yidhi “Horta guud ahaan waxa wadanka iiga muuqday wanaag, intii aan maqnaana waxaan odhan karaa wax badan baa qabsoomay,waxaadna moodaa inaynu ka fiicanahay dawlado badan oo soo jireen ahaa, laakiin dhinaca kalena waxa ii muuqda wax badan oo dhiman oo u baahan in hagaajiyo ama la qabto”. “Dalalkaa Yurub waxaad moodaa inaan la kala fahamsanayn Somaliland iyo Somaliya, taasna waxaan odhan karaa waxa ugu wacan dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee debedaha oo yar, taas oo ay tahay in xoog la saaro sidii dunida loogu qancin lahaa ama loo fahamsiin lahaa qadiyadda Somaliland”ayuu yidhi Carab Ducaale. Hase yeeshee waxa kale oo Carab la waydiiyey waxa uu hadda damacsan yahay inuu ururada siyaasadda ku biiriyo, inuu dhinaca dawladda xil ka quudaraynayo iyo si kale yeelayo, wuxuuna ku jawaabay “Anigu muddo ayaan dalka ka mqanaa, sidaa darteed weli waxaan ku jiraa daraasad la xidhiidha xaaladda dalka iyo bal sida ay wax yihiin, mana jecli inaan degdego, markaa muddo ayaan wax indho indhaynayaa”, laakiin waxa uu intaa ku daray “Dadku waa dadkaygii, markaa way jiraan rag oo asxaabtaydii ah oo aanu wada sheekaysanay labada dhinac-ba (Dawladda & Xisbiyada), laakiin cidna wax rasmi ah maanu wada gelin”.

 

Ugu dambayna waxa Carab Ducaale la waydiiyey bal inuu Hargeysa tegayo maadaama ay tahay caasimadii Somaliland iyo xaruntii dawladda, wuxuuna ku jawaabay “Hargeysa waa caasimadii, waana jeclaa inaan tago, waxaana iigu dambaysay 1991-kii bishii Diisambar, laakiin halkan (Burco) ayaanay ii dhammaan danihii aan ka lahaa, sidaa darteed marka ugu horaysa ee ay ii suurtagasho ayaan tegayaa Hargeysa”.

 

 

600—800 oo luuqadood ayaa lagaga hadlaa Afrika

D

alalka Afrika waxa lagaga hadlaa luuqado ama afaf aad u tiro badan, kuwaas oo si rasmi ah loo cayimi karin tiradooda rasmiga ah, laakiin marka laga hadlayo luuqadaha lagaga hadlo Afrika waxa dhacda in dhulalka qaarkoood lagaga hadlo dhawr luuqadood, sidoo kalena degaan kooban oo ay ku nool yihiin malaayiin qof lagaga hadlo Af qudha.

Sannadkii 1910-kii ilaa 1920-kii ayaa markii u horaysay la bilaabay in la sameeyo daraasad la xidhiidha luuqadaha lagaga hadlo dhulyowga Afrika, waxaana shaqadaa qabtay laba nin oo la kala odhan jirey Carl Meinhof iyo Deidrich Westermann oo reer Yurub ah, waxayna luuqadaha lagaga hadlo Afrika u qaybiyeen shan qaybood oo kala ah:

1-Luuqadaha--Semitic

2- luuqadaha--Hamitic

3-Luuqadaha—Bantu

4-Luuqadaha—Sudanic iyo

5- Luuqadaha—Bushman

Daraasadda la sameeyey waqtigaa hore waxa ka soo baxay arimahan:

1-Waxa muuqatay in luuqadaha Semetic aanay ahayn kuwo gaarkooda u taagan ee ay yihiin kuwo xidhiidh la leh luuqadaha Hametic.

2- Waxa kale oo jira is-dhexgal luuqadeed oo afafka ka soo baxay la yidhaahdo Hameto-Semitic ama Afro-Asian.

3- Qoraayadii waxay isku raaceen Afafka Nandi, Masai iyo Turkana inaanay ka mid ahayn qaybta Hametic.  Waxa kale oo ka mid ah luuqadaha lagaga hadlo Itoobiya qaarkood, waxayna guud ahaan luuqadaha la yidhaahdo Ethopian Semetic u kala baxaan Tigre iyo Tigranya, laakiin qaybta Koonfurta Itoobiya ee luuqadaha Ethopian Semetic waxay u kala baxaan Am-Haric, Guraga (Uraga), Gafat iyo Hereri.

5-Luuqadaha Kushitic oo lagaga hadlo dalalka geeska Afrika sida, Itoobiya, Jabuuti, Ereteriya iyo degaamada Somalida, waxaana ka mid ah luuqadaha Kushitiga Beja iyo Abu.

Luuqadaha Kushitiga Bari oo kala ah: Galla, Somali, Canfar, Sidaamada bari, Konso, Arbore iyo Geleba. Sidoo kale luuqadaha kushitiga galbeed waxa la yidhaahdaa Kaffa Grooup.

4- Luuqadaha Lukas oo markii laga dhigay qayb ka mid ah afafka Sudanic ayaa hadana noqotay luuqad ka gaar ah Sudanic, waxaana ka mid ah Luuqadaha Lukas-ka: Kanuri, Teda iyo Zaghawa.

5-Luuqadaha lagu magacaabay Sudanic oo la isugu geeyey afafka ay ku hadlaan  dadka madaow ee ku nool koonfurta Qaaradda afrika marka laga reebo afka lagu magacaabo Bantu waxa uu u sii qaybsamaa qaybo kala duwan oo lagaga hadlo Qaaradda Afrika.

Luuqadaha

Luuqadaha Hamito iyo semitic (Afro-Asian) waxa lagaga hadlaa waqooyiga Afrika, waxayna xidhiidh la leedahay afaf lagaga hadlo Qaaradda Asia, isla markaana waxay ka kooban tahay shan qaybood oo kala ah:

1-Berber: Luuqaddan oo markii hore lagaga hadli jirey waqooyiga Afrika oo dhan marka laga reebo Masar waxa kale oo ku hadla dadka loo yaqaan Tuareg ee ku nool lama degaanka (Saxaraha) Afrika, qayb weyn oo ka mid ah dadka reer Morroco iyo Aljeeriya.

2- Luuqad loo yaqaan Koptic oo xidhiidh la leh fartii ay qori jireen Giriiggu oo ka soo jeeda Masaaridii hore.

3- Luuqadaha Semitic: Luuqadahan oo ay ku jirto luuqadda carabiga oo lagaga hadlo waqooyiga Afrika .

4-Kushitik koonfureed oo, iyaguna ah: Mbulung oo lagaga hadlo Tanganiika (Tansaaniya).

Luuqadaha Niger iyo Congo

Qaybtan oo ah luuqado lagaga hadlo dhul aad u kala duwan oo kala ah: Galbeedka Afrika, Koonfurta Saxaraha Afrika iyo Koonfur Afrika waa qayb ay luuqadaha ka farcama weli lagu hawlan yahay sidii si cad loogu kala saari lahaa.

Dhinaca luuqadaha lagaga hadlo galbeedku Afrika waxa qaybtaa ka mid ah afafka kala ah: Temne, Bulom, Kissi, Limba, Gola, Dyola, Bissao-bolama, Sarar, Pepel, Kanyop, Bijogo, Bulanda, Cabiana-casanga, Banyun, Nalu, Serer-sin, Serer-nono, Konyagi-Wolof iyo Fulani.

Waxa kale oo jirta qaybo kale oo ka sii farcama afafka Afrika lagaga hadlo ee la isku yidhaahdo Niger-Congo, waxaana la yidhaahdaa afafka Mandingo,waxaana lagaga hadlaa dhinaca hoose iyo gobolada dhexe ee webiga Niger, gaar ahaan mustacmaradihii dhulkaas ee uu Faransiisku xukumi jirey iyo weliba meelo ka mid ah dalalka Laybeeriya iyo Siiriliyoon, waxaana afafka halkaa lagaga hadlo ka mid ah: Malinke, Bambara, Soninke, Kpellen, Mend, Mossi, Grussi, Tem, Bargu iyo qaybta luuqadaha Kiwa oo lagaga hadlo dalka Togo.

Luuqadaha Sudanic

Luuqadahan waxa lagaga hadlaa bariga Afrika iyo qaybta sare ee webiga NILE, iyadoo lagaga hadlo dhul gaadhsiisan dhinaca galbeed ee Congo ilaa dalka Jaad (Chad).

Dhinaca bari ee jihooyinka lagaga hadlo luuqadaha Sudanic waxa ka mid ah luuqado ay ku hadlaan dadyowga kala ah: Nubianka, Kordofan iyo Darfur, dadyowgaa oo ku dhaqan gobolo dalka Suudaan ka mid ah, luuqadaha ay dadyowgaasi ku hadlaana waxa ka mid ah; Tabi, Diding-murle, Merarit iyo Dagu.

Qaybta koonfureed ee luuqadahan waxa ka mid ah: Shiluk, Dink, Nuer, Achol, Anuak, Lango iyo Jur.

Luuqadaha lagaga hadlo harada weyn ee la yidhaahdo Lake Victoria (Badhtamaha & bariga Afrika) waxa, iyagana la isku yidhaahdaa Nilo-Hematic, waxaana ka mid ah: Masai, Baari, Teso, Karamojo, Turkana, Lotuko, Nandi iyo Suk. 


Wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo

beeniyey ninkii dad-qalka lagu eedeeyey

H

argeysa (Haatuf) Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland, mudane C/laahi Cumar Cige ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay ninkii ay dhalashadiisu ahayd Oromada Itoobiya ee ay boolisku Isniintii toddobaadkan fal dad-qalnimo, wuxuuna wasiirku dadweynaha reer Hargeysa ugu baaqay inay iska ilaawaan werwerka arintaa la xidhiidha, sidaana waxa uu wasiirku ka sheegay waraysi uu shalay siiyey idaacadda raadyow Hargyesa.

 

Isniintii toddobaadkan ayuu wargeyska Jamhuuriya daabacay war daboolka ka qaadaya in boolisku gacanta ku dhigay nin lagu eedanayo inuu isku deyey inuu qasho wiil dhalinyaro ah oo ay da’diisu tahay dhawr iyo toban jir oo reer Hargeysa ah, wuxuuna wargeysku sheegay inuu warkaa ka soo xigtay saraakiil boolis ah iyo weliba wiilka dhalinyarada ah  ee la yidhi waa la qallan-gaadhay, sidoo kalena telefishinka Hargeysa ayaa isna habeenimadii Isniintu soo galaysay faafiyey warka ku saabsan ninka lagu eedeeyey dad-qalnimada, iyadoo uu telefushinku soo xigtay waraysiyo uu arintaa kala yeeshay taliyaha qaybta booliska iyo sarkaal kale oo isna ka tirsan saldhigga booliska madaarka, laakiiin soo if-baxa dhacdadaasina waxay magaalada Hargeysa ka abuurtay dareen cabsiyeed oo xoog leh, isla markaana waxay arintaasi si weyn u saamaysay dadka ajnebiga ah ee reer Itoobiya iyo dadka qaxootiga ah ee koonfurta Somaliya, kuwaas oo loo aaneeyey ninkaa dad-qalnimada lagu eedeeyey ee Oromada Itoobiya, ka dibna dhaqdhaqaaqooda cadaadis xoog leh la saaray,  qaarkoodna la sheegay in waxyeelo loo geystay ama nabadgelydaoodu khatar gashay.  Hase yeeshee wasiirka arimaha gudaha Somaliland C/laahi Cumar Cige ayaa arintaa aad uga hadlay, isaga oo istuudiyaha raadyow Hargeysa ugu waramay weriyayaal ka tirsan idaacadda raadyow Hargeysa. “Wax dad-qal la yidhaahdo iyo wax dad cun ah midna ma jiro”ayuu yidhi wasiirku, isaga oo intaa ku daray “Waxaad moodaa in arinkaa aad looga af-miinshaareeyey, mana jiro warka la leeyahay ninkaasi waa dad-qal”.

 

Wasiikru waxa  uu dadweynaha reer Hargeysa ugu baaqay inaanay ku walaahoobin warkaa oo uu ku tilmaamay war aan waxba ka jirin. “Dadweynaha reer Hargeysa ee arinkaa saska ka qaaday, waxaan u sheegayaa inaanay ku walaahoobin ee ay caadi noqdaan”ayuu yidhi wasiirku.

Ninka lagu eedeeyey sheekada dad-qalnimada waxa lagu tilmaamay inuu qabo cudurka Juudaanka, laakiin wasiirka daakhiligu wuu beeniyey taa, wuxuuna yidhi “Saraakiisha Boolisku waxay soo cadeeyeen haba yaraatee inaanu ninkaasi qabin Juudaan iyo waxa la idiin sheegayo, waxaan doonayaa inaan idinka saaro oo uu  cudurkaasi idinka baxo, siiba haweenka iyo caruurta”.

Wasiirku waxa uu sheegay in arintaa gacanka lagu hayo, isla markaana lagu samaynayo baadhis adag, laakiin wasiirku waxa uu mar walba meesha ka saaray jiritaanka warka sheegaya inuu ninkaasi dad-qal ahaa, wuxuuse tilmaamay in waxa la baadhayaa ay tahay  ninkaasi waxa uu yahay, caafimaadkiisa IWM, wuxuuna yidhi “Ninkaa gacanta ayuu ciidanka Boolisku ku hayaa si adag baa loo baadhayaa, waa la xaqiijinayaa, dhakhaatiirta ayaa lala kaashanayaa, si dhab ah ayaanna arintaa loo dersayaa wixii uu arinkaasi noqdana hortiina ayaa la keenayaa dadweynow, laakiin waxaanu idiin sheegaynaa inaanu ninkaasi ahayn dad-qal oo ay taasi waxba kama jiraan tahay”.

 

Hase yeeshee wasiirku waxa xusay dhibaatooyin kale oo la xidhiidha dhinaca dhaqanka oo ka yimaado dadka ajnebiga ah inay jiraan, taasna waxa uu sheegay in wixii dhaqan xumo ah si dhakhso ah wax looga qabanayo, wuxuuna intaa ku daray inay shalay dalka ka dhoofiyeen boqol qof ku dhowaad Itoobiyaan, laakiin ay kuwaasi ahaayeen Itoobiyaanka laga tahriibiyo xeebaha Boosaaso ee dalka socotada ku mara oo laga soo qabtay gobolka Togdheer, dadkaasna lagu celiyey dib looga dalkoodii. “Dadka reer Itoobiya waa dad aynu walaalo nahay oo uu xidhiidh wanaagsani inaga dhexeeyo, markaa wixii dembi leh uun baynu daba gelaynaa, laakiin ma aha in waxa dabada laga galo”ayuu yidhi wasiirku, laakiin waxa kale oo uu wasiirku ka hadlay dadka Itoobiyaanka ah ee Tahriibta lagu dhaafiyo Somaliland oo ay kooxo dad ahi ka baayac-mushtareeyaan, laakiin waxa uu si gaar ah ugu digay dadka leh baabuurta ka daad-guraysa dadka tahriibta ah, isaga oo sheegay in cidii lagu qabto arintaa talaabo sharci ah laga qaadi doono, wuxuuna “Waxa jira niman baabuur leh oo dadkaa si gaar ah uga baayac-mushtareeya, kuwaas oo dadkaa ka soo qaada meelo kala duwan oo dalka Itoobiya ah, ka dibna ku daadiya meelo magaalada ka fog ku daadiya, halkaana ay mushkiladi ka dhacdo, markaa waxaan uga digayaa baabuurtaa inay ka waantoobaan waxaa, ninkii lagu qabtana waxa laga qaadi doono talaabo sharci ah”.                           

 

Jaamac Saalax oo geeriyooday

 

D

ubai- Alla ha u naxariistee marxuum: Jaamac Saalax Axmed (Midhiq) ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu dhakhtar kaga jirey, ka dib markii uu haleelay xanuun caloosha ahi, taas oo la filayo inuu u dhintay xanuunkaa, waxaana geerida marxuumkaa Haatuf u cadeeyey gudoomiyaha urur-siyaasadeedka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) iyo xubno kale oo ka tirsan ururka ASAD, iyadoo uu marxuumkaasi ka mid ahaa hogaamiyayaasha urursiyaasadeedka ASAD oo sheegay inay aad uga tiiraanyeysan yihiin geerida ku timi marxuumkaa.

 

Marxuum Jaamac Saalax (Midhiq) waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ururka ASAD, isaga oo xubin ka ahaa golaha dhexe ee ASAD, isla markaana waxa uu ka mid ahaa hogaamiyayaashii siyaasadeed ee ururka SNM oo uu muddo dheer ka tirsanaa, laakiin alla ha u naxariistee Jaamac Saalax (Midhiq) oo ahaa siyaasi ruug cadaa ah waxa uu waqtigiisa inta badan ku soo qaatay mucaaradad, isaga oo intii aanu ururka SNM abuurmin ka mid ahaa ururkii SSDF, sidoo kalena intii aanu ku biirin ururka ASAD waxa uu ka mid ahaa ururkii la magac baxay dib-uhabaynta SNM, oo uu markii u dambaysay gudoomiye ka ahaa, laakiin sooyaalkiisii taariikheed oo faahfaahsan cadadyada dambe ayaanu idiin soo gud-bin doonaa.

 

Marxuumkaa, waxay bahda Haatuf dhammaantood eebe uga rajaynayaan inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, isla markaana qoyska, qaraabada iyo asxaabta uu ka tegay samir iyo Iimaan ka siiyo. Sidoo kale Siciid Cali Giir ayaa isna tacsi u diraya qoyska, qaraabada iyo asxaabta uu ka geeriyooday alla ha u naxariistee marxuum: Jaamac Saalax….Aamiin..aamiin..aamiin

Marxuum Jaamac Saalax oo muddo dheer siyaasadda ku soo jirey waxa uu intii ka horaysay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland uga soo mid noqday ururo badan oo siyaasadeed, sida: SNL, SDU (Calan-cas), SSDF, SNM iyo qaar kale.

 

Ururka KULMIYE oo olole

siyaasadeed ka bilaabay Boorame

B

oorame(Haatuf): Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay socdaal ku tegay xarunta gobolka Awdal ee Boorame, halkaana ka bilaabay olole siyaasadeed oo la xidhiidha tartanka doorashada madaxtimada ee la filayo inay dalka ka dhacdo, wuxuuna Axmed-Siilaanyo isla shalay khudbad ka jeediyey fagaare ku yaal badhtamaha magaalada Boorame, isla markaana waxa weftiga KULMIYE magaalada Boorame ku soo dhoweeyey badhasaabka Boorame taageerayaasha ururkooda. Hase yeeshee sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Boorame, Maxamed Cumar kooxo dhalinyaro ah oo la sheegay inay taageersan yihiin ururka UDUB ayaa Axmed-Siilaanyo iyo weftigiisa mudaharaad iyo sawaxan ay ku diidanyihiin imaatinkooda kala horyimi, laakiin taasi kama horjoogsan inay weftiga KULMIYE sii wataan booqashadooda Boorame iyo weliba ololahooda siyaasadeed.

 

Gudoomiyaha KULMIYE, Axmed-Siilaanyo hadal uu ka jeediyey fagaaraha khudbadaha Boorame waxa uu kaga waramay barnaamij siyaasadeedka ururkiisa iyo waxa ay tahay ujeedada socdaalkiisa Boorame, wuxuuna yidhi “Barnaamijkayagu waxa ka mid ah inaanu shacbiga Somaliland, gaar ahaan dhalinyarada shaqooyin u abuuro, dalkana aqoonsi buuxa u raadino”, isaga oo doorashada ku tilmaamay furaha aqoonsiga, laakiin dhinaca kalena waxa xusay sida aanay dadka reer Somaliland aqoon ugu lahayn doorashada iyo tartanka axsaabta. “1969-kii ayaa doorasho idiinku dambaysay , intiina halkan joogtana wax yar baa garanaya waxa ay doorashadu tahay, laakiin da’yarta dadweynaha reer Boorame waxaanu doonaynaa inaanu u sheegno waxa ay doorashadu tahay”ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, isaga oo intaa ku daray “Doorashadu waa astaanta dimoqraadiyadda iyo aqoonsiga”.

 

Gudoomiyaha KULMIYE waxa uu tafaasiil badan ka bixiyey barnaamijka ururkiisa iyo macnaha doorashada iyo tartanka xisbiyada badan, laakiin sidoo kalena waxa uu sharax ka bixiyey magaca ururkiisa KULMIYE oo uu ku tilmaamay inay tahay ujeedo ku salaysan midnimada shacbi-weynaha reer Somaliland, ugu dambayna gudoomiyaha KULMIYE waxa uu u mahad celiyey dadkii ku soo dhoweeyey Boorame iyo maamulka gobolka, isaga oo xusay inuu ka mid ahaa ardaydii wax ka baratay dugsiga sare ee Camuud oo hadda ah Jaamacadda Camuud, taas oo uu sheegay inuu ka baxay muddo hadda laga joogo afartan sannadood.

 

Axmed-Siilaanyo iyo weftigiisu markii ay dhamaysteen khudbadahoodii fagaaraha waxay booqdeen jaamacadda Camuud, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen, warbixina ku siiyeen maamulka jaamacaddu.

Dhinaca kalena intii ay socotay khudbadii gudoomiyaha KULMIYe ee fagaaruhu ayey kooxo dhalinyaro ah oo sitey calanka urur-siyaasadeedka UDUB soo dhex-galeen fagaaraha khudbaddu ka socotey, iyaga oo ku qaylinaya ereyo ay ku diidan yihiin Axmed-Siilaanyo iyo weftigiisa Kulmiye. Hase yeeshee ciidanka Booliska ayaa dhalinyaradaa ka hortegay, waxayna ku kala dareeriyey tacshiirado rasaas ah oo ay kor u rideen, iyadoo ay boolisku kala bad-baadiyeen iska hor-imaad ka dhex dhici lahaa dhalinyaradaa iyo taaageerayaasha KUILMIYE oo ka cadhooday rabshadda ay kooxahaa dhalinyarada ahi kala horyimaadeen ololahooda siyaasadeed.

 

Dhinaca kalena intii aanay magaalada iman weftiga KULMIYE ayey kooxo kale oo dhalinyaro ahi taajiro ku gooyeen wadada laga soo galo fagaaraha khudbadaha ee magaalada Boorame, laakiin badhasaabka gobolka iyo ciidamada nabadgelyada ayaa taa wax ka qabtay.

 

Dadka yaan la hoosaasin

Aniga oo ka mid ah ardayda wax ka dhigata dugsiga SH.Bashiir ee magaalada Hargeysa, waxaan doonayaa inaan ka hadlo jawaabtii wasiirka ee uu yidhi ma jiro wax dad-qal la yidhaahdaa, sidaa darteed aniga waxay ila tahay dadka yaan la hoosaasin dad-qalku wuu jiraaye. Sababta oo ah hadii aanu dad-qal ahayn ama aanu ujeedo kale lahayn muxuu kala doonaya wiilka yar huteelka Ambassador dushiisa, Sidaa darteed waxaan leeyahay dadka loo qarin dad-qalka.

 

Marwo Maxamuud Cumar, Hargeysa.