Haatuf News

 

Issue: 191________________________________

Madaxweynaha Jejniya

G

arosni (W.Wararka) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda ka go’day Ruushka ee Jejniya Aslaan Maskhadoof ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wadahadallo toos ah oo dhexmara iyaga iyo Ruushanka, taas oo aan wax shuruud ah lahayn si xal loogu helo mushkiladda dabada dheeraatay ee Jejniya.

Dhawaaqan ka soo yeedhay Maskhadoof waxa uu ku soo beegmay furitaanka shir caalami ah oo ku saabsan arrinta Jejniya oo ka dhacaya caasimadda Denmark, kaas oo ay dawladda Ruushku aad u cambaaraysay.

Sida uu sheegay wakiil gaar ah oo uu madaxweyne Maskhadoof u diray shrikaa sida qudha ee dhibaatadaa lagaga baxayaa waa wada-hadal, isaga oo intaa ku daray in arrintu ay haatan taagan tahay dhinaca Ruushka oo uu dhinacooda ku xidhan yahay bilowga wadahadalladu.

Balse madaxweynaha Ruushka ayaas heegay in aanay wax wadahadallo ah la galayn argagixisada, isaga oo intaa ku daray in dawladdiisu ay talaabada ku habboon ka qaadan doonto kuwa taageeraya argagixisada.

Dhinaca kalena dalka Ruushka ayay shalay u ahayd maalin murugo, iyada oo la xusayay dadkii tirada badnaa ee ku dhintay hawlgalkii ay ciidamada Ruushku ku soo furteen dadkii lagu af-duubay Tiyaatarka, kuwaas oo ay tiradoodu gaadhay 450 qof.

Dawladda Ruushka ayaana sheegtay in 239 qof oo ka mid ah dadkii dhaawacmay ay ka baxeen dhakhtarada halka 405 qof ay weli yalaan cusbitaalada, kuwaas oo 45 ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay.

Sheeko

M

uddo toddoba bilood ah markii ay Luul ku noolayd Jeddah ayaa waxaa isa soo taray kalgacayl ay u qabtay in ay dib ugu soo noqoto Hargeysa. Waxyaabaha ay Luul aadka ugu sii doonaysay waxaa ugu weyn hooyadeed Quman Sugaal oo ay sidii ay u dhalatay Luul aanay ka wada maqnaan mudada bilaha ah ee hadda ay ka maqnayd. Dhinaca kale, inankeedii curad Rooble Najiib ayaa Luul waxaa aad ugu kordhay wer-wer beer waalidnimo oo ay laabteedu jeceshahay inay indhaha saarto, markii uu Jamaal Bad-maax uu dhowr jeer waabiyay Luul talo ahayd inay soo gaadho Hargeysa ayuu markii dambe goostay inuu u oggolaado Luul inay tagto Hargeysa. Luul waa xaamilo, waxaanay leedahay uur, arrintaa awgeed ayuu Jamaal is yidhi; “Ma xuma haddii ay u tagto hooyadeed, dardaaran iyo balano adag kadibna Luul waxay u soo amba-baxday dhinaca magaalada Hargeysa, waxaanay iska soo horraysiisay tilifoon soo bixiddeedii, inkasta oo horeba reer Goohe ay ula socdeen in ay imanayso Luul, inkasta oo ay Luul muddo sannad ka yar ay ka maqnayd Hargeysa, haddana sida ay u xiisaynayso waxaad moodaa in ay toban sanadood ka maqnayd, looma kala hadhin soo dhoweynta luul, waxaana soo dhoweeyay aabaheed Goohe Guuleed, Quman Sugaal oo hooyadeed ah iyo inankeeda Rooble Najiib oo da’diisu hadda tahay afar-jir ku dhowaad, laakiin si fiican loo koriyay oo aad mood ilaa 7-jir, gaar ahaan Rooble Najiib aad ayuu u koray bilihii ay hooyadii ka maqnayd. Soo dhoweynta Luul waxaa iyadu reer Goohe wehelinaysay saaxiibadeed Amuun Cabdalle, Luul aad iyo aad ayay u faraxday markii diyaaraddii ay la socdeen ay inantii ka hawlagalaysay soo dhoweynta iyo wargelinta rakaabku sameecada diyaarada ka sheegtay in ay hadda fadhiisanayaan garoonkii diyaaradaha ee Hargesaysa. Markii ay ka soo degtay diyaaraddii ay la socotay Luul ee ay u soo baxday hawada Hargeysa, ayay Luul dareentay in uu jidhkeedu dareemay hawo uu ku raaxaysanayo oo macnaheedu ahaa waa hawadii aan ku dhashay, kuna barbaaray. Luul intaa wixii ka dambeeyay waxay kolba qof ka mid ah qoyskooda reer Goohe ee soo dhaweeyay isu salaamayeen sidii ay isugu dhagaan dadka is dhalay, saaxibada iyo kuwa is jecel marka ay muddo kala baadaan. Rooble Najiib isagu intuu salaamay ayuu yidhi; “Hooyo maxaad intaas oo dhan nooga maqnayd?” Luul aad ayuu u damqay weydiintaa inankeedu, waxaanay tidhi; “Alla mooyi hooyo maxaan kaaga maqnaysiiyay wax laga maqnaadaba ma adigaa ah.” Luul Rooble ayay bogga soo gashatay, runtii waxay ahayd muuqaal qurux badan oo qoys kala maqnaa waalid iyo carruur oo isku soo noqday, sidoo kale Amuun iyo Luul waxay salaan iyo maxabaysiin isku hufayeen muddo aan saacad badhkeed ka yarayn.

Rooble Najiib wuxuu u yaqaanaa Amuun Cabdalle habaryartii la dhalatay hooyadii Luul, aad iyo aad ayaanu u jecel yahay. Amuun waxay la yaaban tahay saaxiibadeed Luul oo ay ka filaysay inay amaanta halkii ay u dhooftay laakiin Luul erayadeedu waxay u badan yihiin “Alla dhulkeenu wanaagsanaa, Alla hawada dalkeenu fiicanaa, Alla dhulkeenu qurux badanaa”

Luul oo xaaladdeeda ka warramaysay ayaa tidhi; “Markii aan Jeddah kaa soo dhoofayay gebiygayguba waan xanuunsanayay oo waxaan is lahaa tallow naf maad ku gaadhi Hargeysa, laakiin markii aan ka soo degay diyaaraddii ayuu igaga hadhay.” Luul dadka ay hadiyadaha ugu soo talogashay waxaa ka mid ah Cawo Rabi oo ah inankeeda Rooble Najiib ayaydii aabo, Siraad Sugaal iyo Mooge Asraar. Xiisihii xorriyadeed ee ay Luul uga baratay magaalada Hargeysa waxaa xumeeyay askar aad u tiro badan oo magaalada saqaafta iyo bandoo lagu soo rogay magaalada oo loo diido dhaq-dhaqaaqa, inta badan habeenkii Goohe Guuleed wuxuu dhegaystaa Radyow SNM, isaga oo Qumana uga warrama warar ay sheegto idaacadaasi, laakiin si hoosa ayuu raadyowga guriga ugu dhegaystaa.

Goohe Guuleed iyo rag kale oo uu ku jiro xaalada ay galaan reer Goohe dhowr jeer ayaa la xidhay, waxaaana lagu eedeeyay inay laabta ka taageersanyihiin  ururka SNM ee ka soo horjeeda dawladdii markii xukumaysay dhulkii la isku odhan jiray Somaliya, markii ay Luul 10 cisho joogtay ayaa habeenkii dambe waqti saq-dhexe ah  rasaas la isku weydaarsaday gurigooda agtiisa, waxaana lagu dilay 2 askari oo kuwii dawladdii Siyaad Barre ah. Aroornimadii ayaa meydkii labada nin loogu yimid gurigooda agtiisa, kadib ciidamo aad u tiro badan ayaa la keenay xaafaddii reer Goohe iyo agagaarkeedii, waxaana la xidhay ilaa 20 rag ah. Wixii aroortaa laga helay xaafadaa oo uu ku jiro Luul aabaheed Goohe Guuleed. Markii ragaa guryahooda laga soo saaray waa la wada katiinadeeyay, kadibna dib looma arag muddo toddobaad ah ayaanay Luul iyo hooyadeed Quman baadi goobayeen halka lagu xidhay Goohe iyo raggii la socday. Maalintii dambe ayaa waxay galagalaysteen Gaashaanle Bashiir Wardheere, si uu bal u tuso inay nool yihiin iyo inkale Goohe, sanadahaa dhib weyn kumay ahayn dawladda xukumi jirtay dhulkii la isku odhan jiray Somaliya in qof la kaxaysto oo aan dib loo arag lana dilo. Waxaanay maqleen Luul iyo hooyadeed Quman in loo haysto Goohe iyo raga kale in ay taakuleeyaan jabhadda SNM oo siiyaan dhaqaale. Quman Sugaal iyo Luul oo xadhiga Goohe ku wargeliyay Abiib Goohe wuxuu Abiib yidhi, anaa imanaya laakiin Quman Sugaal ayaa u sheegtay Abiib in haddii uu yimaado ay suurtogal tahay in isagana lagu daro oo waliba la dilo. Abiib hore ayuu u fahmi waayay sababta qof aan waxba galabsan inta la qabto markiiba loo dilayo, miyaan meesha sharci jirin ayuu yidhi, laakiin Abiib waxaa qanciyay markii ay tiro tijaar iyo ganacsato hebel iyo hebel leh oo aayar sidaas oo kale lagu dilay, markay Quman tirisay sidaa ayuu Abiib u yidhi bal haddii aad ka furfuri kartaan wixii lacag ahna anaa deg-deg u soo diraya ayay isla af-garteen Abiib Goohe iyo hooyadii.

Gashaanle Bashiir Wardheere wuxuu ku guulaystay inuu tuso Goohe oo xidhan xaaskiisa Quman Sugaal iyo inantiisa Luul, laakiin Bashiir arrintaa wuxuu ku qaatay lacag, isaga oo sii raaciyay haddii la helo lacag in la furfuri karo Goohe.

Luul aabaheed oo sidii u xidhan ayaa umushay wiil, waxaanay wiilkii u bixisay Colaad, waayo markaa waxaa jiray dagaalo iyo xaalad adag oo markaa ka socotay inta badna degaanada Somaliland. Markii dambe Luul waxay aad isugu hawshay sidii ay aabaheed ugu heli lahayd dariiq ay kaga badbaadiso halista uu gacanta ugu jiro. Gaashaanle Bashiir Wardheere oo hanti badan kaga qaatay Quman Sugaal in isagu furdaamiyo Goohe ayaa markii dambe qorshaha ku darsaday in ay Luul ka mid noqoto waxyaalaha loogu abaal-gudayo markuu ku guulaysto soo daynta Goohe Guuleed. Luul waxay ku wargelisay inay tahay xaas oo ay nin leedahay, laakiin Gaashaanle Bashiir arrintaasi umay cuntamin. Luul werwerka ay ka werwersan tahay badbaadinta aabaheed aad ayuu u xoogaystay, rabitaanka uu Gaashaanle Bashiir ku doonayaana sidaas si le’eg ayuu u xoogaystay, si ay u horjoogsato qorashaha Bashiir ee dhinaceeda Luul axay ugu ballan-qaaday lacag fara-badan Gaashaanle Bashiir, laakiin arrintaa wuxuu kaga jawaabay Bashiir in uu xataa soo celinayo hore ee uu qaatay haddii ay Luul oggolaato. Runtii Luul may oggolaan wax xad-gudub ah oo kaga yimaada dhinaca Bashiir, waxaanay u sheegtay in haddii uu Bashiir isku dayo in ay taas geerida ka xigto. Bashiir wuxuu mararka ay kulmaan Luul u sheegaa inuu aad u jecel yahay, horena uu u jeclaa oo arki jiray, laakiin uu waayay fursad uu ku barto, xidhiidhka Gaashaanle Bashiir iyo qoyska reer Goohe ee uu odaygii reerku ka xidhan yahay waxaa ogaaday eheladii Jamaal-Badmaax, taas oo sababtay warqad kulul oo Luul uga timid dhinaca ninkeeda, taas oo uu ugu sheegayo Jamaal inay si deg-deg ah u soo dhoofto. Luul warqaddaasi waxay noqotay wax aanay ka filayn Jamaal, si marka loo eego waayo Jamaal waxay la socodsiisay in aabaheed xidhan yahay oo uu ku jiro gacan aanay dhib la lahayn dilka dadka ee aan sababta iyo sharciga toona lahayn.

Dhinaca Luul waxay dareentay in Jamaal uu rumaystay warar dad kale Hargeysa uga direen.

Nin ambaday halkuu aaday way ula ekoonaatay

Anigoo tixraacaya wargeyska Haatuf cadadkiisii 188 ee 25/10/2002 maqaalka cinwaankiisu ahaa “Guddiga Doorashooyinka iyo Golaha Wakiilada oo Dood Su’aalo ah Fooda is-daray.” Su’aalihii iyo jawaabihii markii aan si laxaad leh u dhuuxay waxa halkaa iiga caddaatay inaanay gudiga doorashooyinku madax-bannaanayn. Waxay su’aalaha qaarkood ugu margadeen sidii waxay liqeen, “luqmatal xanuuq.” Kalsoonida dadweynaha iyo nabadgelyaduba waxay tahay in guddiga doorashooyinku ay ka koobnaadaan wakiilo ururada mucaaradka ka kooban iyo intii kale ee la isku waafaqo in lagu daro. Iminkase macnuhu wuxuu yahay siidhi-wale ku yidhi kubbad ila ciyaar, siidhigiina anaa haynaya, si aad uga badisaa ma dhalan haba yaraatee, dalkana waxaynu ku ogayn saddex gole oo keliya, laakiin iminka waxaad moodaa inay ka badan yihiin sida; golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Golaha wasiirada, golaha salaadiinta, golaha guddiga doorashooyinka, golaha guddiga diiwaangelinta iyo guddiga golaha UDUB oo ah ka ugu sarreeya.

Waxaas oo gole ah waxa xaq ah oo shacabku samaystay golaha salaadiitna inta gole ee kale waxa samaystay xukuumadda.

Waxa inoo kala caddaynaysa golaha xaqa ah iyo golaha aan xaqa ahayn golihii aynu maraga ka ahayn ee naftooda u huray badbaadinta dalka iyo dadkaba, kuwa kaloo dhami waa kuwa naftooda iyo dantooda gaar ahaaneed u ordi jiray una ordaya.

Waxaase ayaan-darro ah madaxda ururada mucaaradka lagu sheego, iyaga oo fulinaya siyaasaddii ururkii looga gurmaday oo ah UDUB.

Madaxda ururada siyaasiga ah lagu sheego waxaan kula talinayaa inay ka leexdaan dawga ay marayaan oo majara-habow ah oo wax alla waxay ku tartamayaan shacabku aanay garanayn. Urur kasta ninka ka madax ah waxa u muuqda sidii uu madaxweyne u noqon lahaa oo keliya, laakiin uma muuqato dhiidhida iyo ruufadka uu dhex rafanayo, horta waxa ka habboon inuu caddaalad raadiyo.

Guddiga doorashooyinka markii wakiiladu waydiiyeen siday doorasho xalaal ahi u dhici kartaa dalkii oo gobolo iyo degmooyin mamulka Somaliland aanu gaadhin, waxay ku jawaabeen kolba inta maamulku gaadhay uunbaan doorashada ka ridaynaa, sida ku cad Haatuf cadadka kor ku xusan ma maabkii Somaliland baa wax laga beddeli karaa.

Waxaan leeyahay inta dalkeena tuullo ama taako ka maqan tahay doorasho ma dhacayso. Sidaas darteed, waxaan salaadiinta leeyahay dalka iyo dadkaba badbaadiya anigoo cuskanaya bayaankiinii iyo go’aankiinii talo-bixinta ahaa eed u gudbiseen madaxweynaha joornaalkana ku soo muujiseen ee toddobada qodob ahaa.

Waxa intaa dheer, degmooyinka cusub ee la sameyay oo maamulo loo sameeyay, goob doorashooyinkooda iyagu samaysanaya, laakiin cod-bixintooda ku daraya degmaday marka hore ka tirsanaayeen, gobolada aan degmooyinba loo samayn sow ka goob doorashooyin iyo tirada cod-bixiyeyaashaba laga badnaan maayo. Markaa inaan xalaashii ka fognahay aan ogaano. Degmo cusub ma oggolin, waa inay sidii hore ahaadaan, laakiin suurogal maaha intoo maamul iyo maayorba loo sameeyay, goob-doorashooyinkoodana intay doonaan ka dhigtaan. Haddana ku daraan degmaday hore uga tirsanayeen suurogal maaha.

Nuxurku wuxuu yahay:

·         Doorasho ma dhici karto oo sharcigii caasimaddaba looma samayn.

·         Kordhin iyada hadalkeedaba daa.

·         Shir beeleed meeshaba ka saar.

·         Haddaba maxaa dhacaya, waa su’aal dadweynaha u taala.

Colaad Dhoore Warsame,

Hargeysa.

Guddiyada doorashooyinka ee degmooyinka

B

oorama (Haatuf): Xubno ay tiradoodu dhantahay 27 oo ah guddiyada doorashooyinka ee degmooyinka gobolka Awdal ayuu shalay aqoon-isweydaarsi ugu xidhmay magaalada Boorama.

Weriyaha gobolka Awdal uga soo warrama Haatuf Weriye Maxamed Cumar ayaa sheegay in Badhasaabka dawladda Somaliland ee gobolka Awdal Md. Maxamuud Sh. C/laahi uu shalay u xidhay xubnahaas dhammaystay aqoon-isweydaarsiga oo ujeeadiisu ahayd sidii guddiyada doorashooyinka degmooyinka gobolka Awdal loogu baraarujin lahaa inay gobolka ka dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah iyo sidii ay xubno ka qaybqaatay aqoon isweydaarsigani ay arrintaa ugu diyaargaroobi lahaayeen.

Weriye Maxamed Cumar wuxuu kaloo sheegay in Maxamuud Sh. Cabdillaahi guddoomiyuaha gobolka Awdal uu u tilmaamay ka qaybgalayaashii aqoon-isweydaarsigaa ahmiyadda ay doorashooyinka soo socdaa u leeyihiin guud ahaa dalka iyo gaar ahaan gobolka Awdal uu ku xidhan yahay qaabka ay uga hawgalaan doorashooyinka soo socda ee golaha degaanada.

Waxaa kale oo uu ku baraarujiyay inay iska ilaaliyaan wax kasta oo wax u dhimi kara doorashooyinka.

Warkani wuxuu intaa ku daray in kahor talooyinka iyo dardaaranada uu Badhasaabka gobolka u soo jeediyay xubnaha guddiyada doorashooyinka ee degmooyinka gobolka Awdal in uu halkaa warbixin ka soo jeediyay Sacad Sh. Cabdiraxmaan oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee gobolka Awdal, isaga oo ka warbixiyay qaabkii loo agaasimay aqoon-isweydaarsigaas oo uu sheegay in uu qayb ka ahaa u hawlgalka doorashooyinka golayaasha degaanka.

Weriye Maxamed Cumar waxaa kale oo ka mid ahaa warbixinta uu ka soo diray qaabkii uu u dhacay aqoon-isweydaarsigaasi in uu ka soo qaybgalay sarkaal ka tirsan Midowga Yurub oo goob-joog ka ahaa aqoon-isweydaarsigaa oo socday 3 maalmood.

Heshiiskii kooxaha Somaliya

M

uqdisho (W.Wararka) – Heshiiskii ay kooxaha Somaliya ku kala saxeexdeen maaclintii dorraad ee Axadda ahayd shirka uga socday magaalada Eldoret ee waddanka Kenya, ayaa durba la burburiyay, iyada oo uu weli qoyan yahay qalinkii lagu duugay, kadib markii ay dagaalo maalintii shalay ka dhaceen muqdisho iyo Bu’aale.

Tani waxa ay burin iyo meel ka dhac ku tahay heshiiska ay koxahaasi isla gaaadheen oo uu qodobkiisa ugu horreeyay dhigayo in xabada la joojiyo oo laga bilaabo maalinta heshiiska la kala saxeexday.

Mawliid Macaane oo ay kooxaha shirka ka qaybgalay u doorteen guddoomiye ayaa rajada fulinta qodobada lagu heshiiyay ku xidhay taageero laga helo beesha caalamka mar uu shalay u warramayay Idaacadda BBC-da. “:Markii hore kooxaha Somaliya inta ay shiraan ayay iska kala tegi jireen, balse heshiiskan oo ay wax ka soo saxeexeen wakiilo ka kala socda beesha caalamka sida Maraykanka, Talyaaniga, dalalka IGAD iyo kuwa Jaamacadda Carabtu, ayaanu rajaynaynaa inay ka warhayaan oo gacan ka geystaan sidii heshiiskan loo fulin lahaa,” ayuu yidhi Mawliid Macaane oo wax laga weydiiyay fulin la’aantii heshiisyadii hore loogu gaadhay shirarkii hore iyo sida lo fulin karayo heshiiskan cusub.

Mawliid Macaane oo la weydiiyay dagaaladan shalay ka dhacay Muqdisho iyo Bu’aale, iyada oo heshiiskaa la saxeexay ayaa ku jawaabay calaacal ah inay ka xun yihiin dagaaladaa isaga oo ka war-wareegay inuu xaqiiqada taabto.

Waraysigan Mawliid Macaane waxa uu muujiyay sida ay kooxaha Somaliya ugu adag tahay inay iskood u fulin karaan heshiiska ay gaadheen, balse waxa uu fulinta heshiisyada ula cararay beesha caalamka oo ay taageero ka helaan.

Hay’adda SOS

S

heekh (Haatuf): Hay’ad caalami ah oo danaysa daryeelka carruurta oo magaceeda la yidhaahdo S.O.S, ayaa labadii sannadood ee u dambeeyay ku mashquulsanayd sidii dib u dhis iyo dib u habayn ballaadhan loogu samayn lahaa dugsiga sare ee Sheekh oo burbur laxaad lihi soo gaadhay waqtiyadii colaaduhu ka socdeen geyiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba hay’adda SOS ayaa dhowaan soo gebogebaysay mashruucaas, iyada oo dugsigu hadda isu diyaarinayo sidii uu u gudan lahaa kaalintiisa waxbarasho, taas oo la qorsheeyay inay bilaabanto horraanta sannadka soo socda ee 2003. haddaba si wax looga ogaado qorshayaasha mustaqbalka ee dugsiga iyo hannaanka waxbarasho ee loogu talogalay, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixin ay arrintan ka diyaariyeen weriyeyaal ka tirsan shebekadda warbaahinta ee Haatuf oo Axaddii dhoweyd soo booqday mashruucaa:

“Marka aad qabato jid-cadaha u leexda dhinaca dugsiga oo ku yaala duleedka galbeed ee magaalada Sheekh, markiiba waxaad indhaha ku dhufanaysaa kaabadii dhismaha darida leh ee ku taalay irid-horaadka iskuulka oo aad ku murmayso inay marna wax soo gaadheen, balse markaad dugsiga soo gadho waxaad qacda horeba arkaysaa xanafta binada cusub iyo rinjiga farshaxanka nalalka leh ee iminka uun farta laga qaaday.

Iskuulak oo markaanu tagnay qalo yaraa wuxuu ku yaalaa buqcad siman oo ka baxda dhalada buur joogeedu gaaban yahay. Inkasta oo degaanka Sheekh ee ku xeerani yahay mid bilicda isaga dhashay, haddana goobta dugsiga waxaa ka muuqday carro-rog iyo simid iyo geedo ugayb ah oo dhowaan lagu beeray, iskuulkuna malaha deyr weyn oo bilicda indhaha ka hadoodila, waxaanu leeyahay qaab-dhismeed guun ah oo la sameeyay waqtigii British-ka, kaas oo baaligiisa mooyaane baroogiisan cusub dad arkay yar yihiin, balse xilligan la odhan karo dugsigu hadda goor uu ka qurux badan yahay ma jirto, iyada oo aad markiiba dareemayso sida lexo-jeclada badani ku jirto ee hay’adda SOS mashruucan ugu hagar-baxday.

Dugsigu wuxuu ka samaysan yahay dhagax qurux badan iyo sagbad adag, waxaanu isu saaran yahay laba dabaq oo u wareegsan afar-jihood isu tusan, badhtankana wuxuu ku leeyahay Masaajid dhulka ku aroora (Underground), dhinaca galbeedna waxa ka qotoma Eegi dheer (Tower) oo si qurux badan sallaanka loogu lingaxay. Gudaha markaad timaado waxay indhuhu qabanayaan daaqado waasac ah oo ay ku xidhan yihiin muraayado aad u nadiif ahi. Qaybaha dugsigu waxay ka kooban yihiin siddeed fasal, qolka barashada Computer-ka oo qaadaya 25 arday, qolka madadaalada iyo nasashada (Recreation Room), qolka barashada muusiga iyo far-shaxanka.

Waxaa kale oo qaybahaas weheliya hoolka cuntada (Dinning Hall). Hoolka khudbadaha iyo ka shirarka, sidoo kale waxa uu dugsigu leeyahay saddex Laboratary iyo hool liberary ah. Dhanka kalena waxaa si qurux badna loo dhammaystiray qaybaha hurdada (Dormitry), oo kala ah ka wiilasha iyo ka hablaha oo ah dhisme cusub oo laga sameeyay bannaan ka baxsan dhismaha dugsiga, dhismahaas oo aanu iskuulku lahaan jirin. Waxaa iyagana hay’addu dhistay aqalo loogu talogalay macallimiinta iyo maamulka.

C/laahi Maxamed Suufi (Ash-cari) oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo ka tirsan golaha sare (Board of Directors) ee hay’adda SOS, ahna ninkii sababay in hay’addu mashruucan ay Somaliland ka hirgeliso, ayaa isaga oo suxufiyiinta la kaftamaya yidhi; “Waar wax aad ka warrantaan ma aragteen.” Isaga oo xilligaas isbaray weriyeyaasha iyo maamulaha dugsiga Mr. Dick Eyeington oo ah macallin ruug-caddaa ah oo hay’addu ka keentay dalka Swaziland, laakiin isagu u dhashay dalka Britain.

Mar aanu maamulaha wax ka weydiinay tirada ardayda loogu taloaglay inay wax ka bartaan dugsiga sare ee Sheekh iyo habka ay u xuli doonaan ardayda la qaadanayo wuxuu Mr. Dick  ku jawaabay; “Waxaanu ku bilaabi doonaa konton arday oo laga soo xulayo boqolka arday ee ugu dhibcaha sarreeya imtixaanka lagaga gudbo dugsiyada dhexe ee wasaaradda waxbarashada, iyada oo aanu arrintaas iska kaashan doono wasaaradda waxbarashada.”

Haddaba waraysi xiiso badan oo weriyeyaasha Haatuf la yeesheen maamulaha cusub ee dugsiga, waxaanu isaga oo dhammaystiran idiinku soo gudbin doonaa cadadka berrito haddii Allah yidhaahdo.

Guddiga doorashooyinka

H

argeysa (Haatuf):Guddiga doorashada degmada Hargeysa ayey guddiga doorashada qaranku doraad magacaabeen, waxayna degmada Hargeysa noqotay meeshii ugu dambaysay ee loo guddi doorasho loo magacaabo, iyadoo degmooyinka kale ee dalka hore loogu magacaabay guddiyo doorasho, laakiin sababta ay Hargeysa ugu dambaysay waxay guddiga doorashooyinka qaranku ku micneeyeen inay ka war-sugayeen xeerkii lagu maamuli lahaa hawsha doorashada dawladaha hoose ee caasimadda Hargeysa, iyadoo hore loo jideeyey in hawsha doorashada xeer gaar ah lagu maamulo, waxaynse guddiga doorashooyinka qaranku sheegeen inuu xeerkaasi ka habsaamay, sidaa darteed ay lagama maarmaan noqotay inay magacaabaan guddiga doorashada degmada Hargeysa oo lix xubnood ah, isla markaana waxay guddiga doorashada qaranku intaa ku dareen inay guddiga doorashada degmada Hargeysa maamuli doonaan hawsha doorashada caasimadda, sidoo kalena waxa guddiga degmada Hargeysa hoos imanaya degmooyinkii dhowaan laga magacaabay degaamada Hargeysa, sida: Faro-weyne, Sabawanaag, Cadaadley iyo Daarasalaam. Hase yeeshee magacaabidda guddiga doorashada degmada Hargeysa markii ay soo if-baxday waxay dad badani iswaydiiyeen inay kala badan tahay tirada guddiga iyo baaxadda degaamada la doonayo inay maamulaan, sidaa darteed guddiga doorashooyinka Qaranka ayay shalay weriyaal ka tirsan saxaafadda wadaniga ahi tafaasiil dheeraad ah ka waydiiyeen magacaabidda lixda xubnood ee guddiga degmada Hargeysa iyo baaxadda degaamada la doonayo inay hadhow maamulaan sida ay isu waafaqayaan iyo weliba sababta ay hadda u magacaabeen, iyadoo aanu weli soo gaadhin xeer-maamulkii hawlaha doorashada caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan hawsha doorashada dawladaha hoose ee la sheegay inay dalka ka dhacayaan badhtamaha bisha Diisambar ee foodda inagu soo haysa.

“Marka ugu horaysa waxa guddiga doorashada ka soo baxaa waa wax la isla ogyahay oo rasmi ah, sidaa darteed inta aan anigu xog-ogaalka ka ahay guddiga kama soo bixin hadii aan sidaa la yeelin Hargeysa doorasho kama dhacayso, isla markaana hadii aanay Hargeysa doorasho ka dhicin meel kale oo Somaliland ah oo ay doorasho ka dhici kartaa ma jirto, waayo Hargeysa waa magaalo madaxdii Somaliland, waana meeshii ugu dadka badnayd”ayuu yidhi gudoomiyaha guddiga doorashooyihka Qaranka, Axmed X. Cali Cadami oo xafiisa ugu waramayey niman weriyayaal ah. Laakiin isaga oo sharxaya guddiga ay degmada Hargeysa u magacaabeen iyo hawsha baaxadda leh ee iman doontaa sida ay isu waafajinayaan wuxuu yidhi “Ku talo galku waxa uu ahaa in gobolkasta oo Somaliland ah loo sameeyo 3 qof oo guddi doorasho ah, sidoo kalena degmo kasta loo sameeyo 6 qof oo guddi doorasho ah, laakiin su’aasha taagani waxay tahay lixda ee degmada Hargeysa ma qaabili karaan hawsha baaxadda leh ee caasimadda, balse taana farsamo maamul oo aan sharci ahayn ayaa laga gaadhayaa oo meeshii dadku ku badan yahay goobaha cod-bixinta ayaa la badinayaa, isla markaana meesha goobuhu bataan dadka ka shaqaynaya ayaa ka badanaya dadka ka shaqaynaya goobaha kale, ta kale dhisidda guddiga doorashada Hargeysa waxa la waafajiyey sharciga maanta yaal”, laakiin gudoomiyaha guddiga qaranku waxa uu qiray inuu ku talo galku ahaa inuu golaha wakiiladu xeer gaar ah u sameeyo caasimadda, laakiin aanu kaasi ilaa hadda soo gaadhin, sidaa darteed ay dhisidda guddiga doorashada Hargeysa ku saleeyeen sharciga hadda yaal ee dhismaha guddiga doorashooyinka gobolada iyo degmooyinka Somaliland, wuxuuna Cadami yidhi “Sharciga waxa ku qoran hay’adda sharci-dejintu oo ah golaha baarlamaanka waa inuu caasimadda sharciyad dambe u sameeyo, laakiin guddiga doorashada degmada Hargeysa waxa lagu saleeyey sharciga maanta yaal ee xeerka doorashooyinka, balse ta ah inaanay guddigaasi dabooli karin baahida hawleed ee jirta  anaga oo aan sharci kale raadsan ayaanu ku buuxinaynaa farsamo maamul, taas oo goobaha cod-bixinta Hargeysa laga hawl-gelinayo tiro ku fillan oo dad ah”. Laakiin mar la waydiiyey sida ay ka yeelayaan xeer-maamulka la sheegay in loogu talo galay in lagu maamulo hawsha doorashada caasimadda ee aan weli soo gaadhin waxa uu gudoomiyuhu ku jawaabay “Ta maalintii dhowayd lagaga hadlayey golaha wakiilada ma ah sharci kale oo doorasho oo soo degaya ee waa xeerkii maamul ee ay caasimaddu yeellan lahayd, taasina ma aha wax anaga noo yaal wasaaradda arimaha gudaha, marka la sameeyona baarlamaanka la geeyo, mana aha wax aanu sugayno, waayo waxba kama khuseeyaan hawsha doorashada ee aanu wadno”.

“Horta mar walba guddiyada doorashooyinka gobolada iyo degmooyinku, iyaga oo la tashanaya  guddiga doorashada Qaranka iyo dadka masuuliyiinta ah ee ururada meesha u jooga kala tashanaya waxay magacaabayaan dad dheeraad ah, laakiin tan (Hargeysa) waxa loogu sii talo gelayaa oo aanu maantaba ognahay in tirada la kordhinayaa ay noqoto mid dheeraad ah lagu talo galay ”ayuu yidhi Axmed X. Cali Cadami, isaga oo sharaxaya sida ay sharciga u waafaqayaan tirooyinka dheeraadka ah ee hawl-wadeenada iyo goobaha cod-bixinta ee hadhow la kordhinayaa.

Sida la ogyahay waqtigan xaadirka ah waxa degaamo badan oo Somaliland ah ka taagan mushkilad dhinaca degaanka ah, taas oo ay meelo badan ka jiraan muran dhuleed, waxayna dad badani aaminsan yihiin inay taasi saamayn weyn ku yeellan doonto qadiyadda doorashada, laakiin guddiga doorashada mar la waydiiyey taa sida ay u arkaan waxa uu gudoomiyahoodu ku jawaabay “Horta waxaan jeclahay in rajada aynu doorashada ka qabnaa ay noqoto mid intan ka saraysa, shakiga degaamada aad sheegtay ka jiraana ma aha dal la isku hayo ee waxa ay cid waliba is leedahay aad tirada ugu badan heshid, taas lafteeduna ma timaadeen hadii ay dadku fahamsan yihiin macnaha doorashada dawladaha hoose, waayo ma aha tii baarlamaanka iyo tii madaxweynaha ee saamiga lagu kala badsanayey, oo Gebilayey hadii aad keento dhawr milyan oo qof keliya waxaad helaysaa 21-kii kursi ee laguu qorsheeyey. Sidaa darteed hadii la yidhaahdo marka tuulo la isku qabto doorasho ma dhacaysaa, taasi way yara mudan tahay, markaa dadka yaan la hamad jebine, waxaan leeyahay xuduud lagu wada hadlayaa isma hortaagi karto doorashada, arinta xuduudahana cidda xalilaysaa waa wasaaradda arimaha gudaha”.

“Shan habeen ayaanu ku maqnayn Laas-caanood, waxaanu aragnay isimadii, cuqaashii iyo dadweynihii, waxa nalagu yidhi hawshiina wata, ka dibna sidaa ayaanu ku soo magacownay guddiyadii doorashooyinka gobolka iyo degmooyinka gobolka Sool, mana jiraan laba isku diiday iyo laba isku khilaafay toona, dabadeedna meel fagaare ah ayaanu ku dhaarinay”sidaana waxa yidhi Axmed Aadan Cali-goodir oo ka mid ah guddiga doorashooyinka oo ka waramaya socdaal hawleed ay dhowaan ku tageen gobolka Sool, halkaas oo uu sheegay inay dhammaan degmooyinka gobolka Sool ka soo dhiseen guddiyadii doorashooyinka.

Dhinaca kalena ilaa boqol iyo lixdan qof dad gaadhaya oo ah guddiyada doorashooyinka ayaa doraad ilaa afar goobood looga kala furay tababar la sheegay inuu dhawr maalmood socon doono oo ku saabsan hab-maamulka hawlaha doorashooyinka.

Hay’adda wadooyinka iyo Hawsha miin- saarka

H

argeysa (Haatuf):Koox ka tirsan ciidanka booliska Somaliland oo la sheegay inay booliska u qaabilsan yihiin dhinaca miinooyinka iyo waxyaalaha qarxa ayaa dhowaan ilaa 35 shay oo isugu jira waxyaalaha qarxa ka soo saaray biriij wadada laamiga ah kaga yaal meesha la yidhaahdo Dubur oo ah tuulo dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Sheekh. Laakiin hawl-galka ay kooxdaa booliska ahi alaabooyinka qarxa soo saareen biriijka Dubureed waxa uu ka dambeeyey markii ay hay’adda wadooyinka Somaliland ka war-heshay inay biriijkaa ku aasanyihiin alaabooyin qarxaa, ka dibna ay dal-badeen kooxda booliska ah ee qaabilsan dhinaca miinooyinka iyo waxyaalaha qarxa, taas oo uu maareeyaha hay’adda wadooyinka Somaliland, Eng: Maxamuud C/laahi Faahiye sheegay inay kooxdaa booliska ah la galeen heshiis la xidhiidha sidii ay halkaa miinada iyo waxyaalaha kale ee qarxa ee lagu sheegay uga soo saari lahaayeen, taasina ay fushay, iyadoo uu hawl-galkaasi la xidhiidhay dayac-tir la doonayey in lagu sameeyo biriijkaa.

Taliyaha kooxda booliska ah ee hawl-galkaa fulisay, Cumar C/laahi Qaasaali oo shalay niman weriyayaal ah Hargeysa ugu waramay ayaa sheegay inay biriijkaa ka soo saareen 35 xabo oo isugu jira miinooyin iyo waxyaalaha kale ee qarxa. “33 xabo waxa weeye miinada dadka disha (Anti-Person), laba shay oo wal-xaha kale ee qarxa ah”ayuu yidhi taliyaha kooxda booliska ah ee hawl-galkaa fulisay, laakiin isaga oo ka waramaya sida iyo goorta ay kooxdiisu hawl-gashay waxa uu yidhi “Sannad iyo dheeraad ayey kooxdani tababar dhinaca miinada ah ku jireen, wax gaadiid ahna waxaanu haysanaa saddex baabuur”, laakiin Mr. Qaasaali inkasta oo uu xusay inay kooxdiisu waxoogaa taageero ah ka heshay hay’adda UNDP, xafiiskeeda Hargeysa, hadana waxa uu intaa ku daray inay yihiin niman hore iyo dibba ay mabaadi’doodu tahay inay ku shaqeeyaan iskaa wax u qabso. “Ma nihin niman shaqo tag ah ee iskaa wax u qabso ayaanu ku shaqaynaynaa, meeshii miino lagu sheegana waxaanu diyaar u nahay inaanu ka soo saarno”ayuu yidhi Qaasaali, wuxuuna intaa ku daray “Dadweynaha reer Somaliland waxaanu uga digaynaa inaanay taaban hadii ay miino ama waxyaalaha qarxa ee ay soo sheegaan”.

Dhinaca kalena maareeyaha hay’adda wadooyinka Somaliland, Eng: Maxamuud C/laahi Faahiye ayaa wax laga waydiiyey hawl-galka biriijka Dubureed lagaga soo saaray miinada ayaa sheegay inay kooxda booliska ah ka bixiyeen sahayda, ka dibna ay heshiis kala galeen sida ay hawsha u fulinayaan. “Markii aanu ogaanay inay miino ku jirto biriijkaa hoostiisa ayaanu la xidhiidhnay booliska oo aanu ka dal-banay inay kooxdaasi biriijkaa ka soo gurto miinada lagu sheegay, wayna ka soo saareen, waxaanuna kula heshiinay in meesha ay miinada ka gureen hadii ay wax ku hadhaan oo ay hadhow cidi ku dhimato ay iyagu masuuliyadeeda qaadi doonaan”ayuu yidhi maareeyaha hay’adda wadooyinka Somaliland, laakiin waxa uu maareeyuhu intaa ku daray inay markii hore arimahaas oo kale kala macaamili jireen hayadaha miino-saarka ajnebiga ah ee dalka jooga.

Dhinaca kale hay’adda wadooyinka Somaliland waxa markii u horaysay la abuuray horaantii sannadkii 2000, waxayna markii hore ahayd waax ka mid ah wasaaradda hawlaha guud oo la odhan jirey waaxda jidadka, laakiin iminka hay’adda wadooyinku waa hayad madax banaan oo ay leedahay guddi guud oo maamula hayaddaa.

“Waa hayad iska cusub oo aan haysan wax fan-dhaqaale ah oo ay ku shaqayso, laakiin markii hayaddan la sameeyeyna shidaalka wadanka soo gala ayaa 10% loo saaray dayac-tirka wadooyinka”sidaa waxa yidhi maareeyaha hayaddan oo wax laga waydiiyey hawlaha ay hayaddiisu qabato, wuxuuna intaa ku daray “Marka la eego kharashka ay dayac-tirka wadooyinku ku kacayaan iyo lacagta loo saaray shidaalka waxba kama gaadhayso lacagtaasi, laakiin waxaanu ku dedaalaa sidii aanu lacagtaa yari wixii ay ka gaadho wadooyinka ugu dayac-tiri lahayd”. Hase yeeshee maareeyuhu waxa kale oo uu sheegay inay hayadiisu gacan ka hesho ururka midowga Yurub oo uu maareeyuhu sheegay inay qayb ka qaateen dhismaha hayadiisa, intaa ka dibna uu ururka midowga Yurub maal-geliyey mashaariic door ah oo dib-udhiska wadooyinka Somaliland. “Ururka midowga Yurub oo maal-gelin badan ku sameeyey dib-udhiska wadooyinka, waxa ka mid ah mashaariicda ay fuliyeen mashruucii dib-udhiska buundooyinka oo ay ku baxday lacag gaadhaysa ilaa saddex milyan oo dhow-dhow”ayuu yidhi Eng: Maxamuud C/laahi Faahiye, laakiin waxa kale oo uu sheegay inay hadda hayadiisa la shaqayso hayad Jarmal ah oo ay maal-geliyaan midowga Yurub, taas oo uu xusay inay hayadiisa iyo hayadaas oo magaceeda la yidhaahdo SRA ay iminka wadaan mashruuc  gebogebo ah oo la xidhiidha kab-kab lagu samaynayo meelo kala duwan oo ka mid ah wadooyinka Somaliland.

Sida la ogyahay wasaaradda maaliyadda dawladda Somaliland waxay qaadaa cashuuro la yidhaahdo wado-maris, cashuurtaas oo laga qaado gaadiidka dalka lagu wato waxay ku isman tahay in lagu dayac-tiro wadooyinka, laakiin maareeyaha hay’adda wadooyinka oo la waydiiyey bal inay lacagtaa wax ka soo gaadhaan waxa uu ku jawaabay “Cahuurta wado-marista waxa qaadata dawladda dhexe, dabadeedna inbadan baanu ka daba qaylinay wasaaradda maaliyadda ugu dambayntiina waxay noo ogolaadeen 15%”.   

Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka UCID

H

argeysa (Haatuf): Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka UCID, Faysal Cali-waraabe ayaa shalay ka waramay socdaalo ay isaga iyo wefti uu hogaaminayaa labadii toddobaad ee ina dhaafay ku soo galaabixiyeen degaamo kala duwan oo dalka Somaliland ah, isla markaana waxa uu gudoomiyaha UCID jawaabo ka bixiyey warar la xidhiidha xubno dhowaan sheegay inay ka go’een ururkiisa, isaga oo Faysal Cali-waraabe si gaar ah cabasho kulul uga muujiyey qaar ka mid ah saxaafadda oo uu ku tilmaamay inay si dhinac ah oo la buun-buuniyey uga warameen arimahaa, isla markaana ay dad aan wax masuuliyad ah ka hayn ururka UCID ay sheegteen ciwaano been ah, taasna waxa uu ku eedeeyey jaraa’idka qaarkood.

“Meelahaa aanu soo maray waxaanu dadka ka soo dhaadhicinaynay in maadaama iyaga awoodii la siiyey inay doortaan dadka u talinaya oo aan mar dambe looga soo magacaabin Hargeysa, isla markaana ay golayaasha degaanka u doortaan dad Illaahay ka baqaya oo wax u qabta”ayuu yidhi gudoomiyaha UCID, Faysal Cali-waraabe, wuxuuna intaa ku daray “Anagu hadii aanu nahay ururka UCID waxaanu nahay dad dalka u siman oo qabiil ka sareeya, kana fekeraya aragti iyo dan ummadeed, waxaana filayaa in degaamada ay UCID doorashada ku guulaysato ay ka fiicnaan doonaan degaamada ay ka soo baxaan UDUB iyo kuwa kale, waxaanuna soo aragnay meelo ay iskuulada u dhiseen hayadaha samafalku, laakiin macalin la’aan u xidhan, sida Lebi-sagaalo, sidoo kale waxaanu soo aragnay meelo laga dhisay MCH-yo, laakiin iyaguna u fadhiya oo waayey qof loo tababaro oo ka shaqeeya, sida degmada Saba-wanaag oo kale, ta kale meelaha aanu soo maray ee xuduudaha hawdka ah waxaanu aragnay ilaa intii faqashtii ka dambaysay inaanay jirin wax dawlad oo agmartay, waxaanu soo aragnay dal bilaa dawlad ah, dadkaasina waxay leeyihiin Illaahay baanu ka sugaynaa dawlad, waxaanuna ugu bishaaraynay inuu UCID wixii bisha Janaweri, 2003 ka dambeeya ay iman doonaan dhulkaas oo dhan , taas oo aanu ugu horayn u samayn doono biyaha, caafimaadka iyo tacliinta, marka dambena sidii wadooyinka la isugu xidhiidhin lahaa”.

Intaa ka dib gudoomiyaha urur-siyaasadeedka UCID, Faysal Cali-Waraabe waxa uu ka hadlay sida ay saxaafadda Somaliland uga hadashay arimaha ururkiisa, wuxuuna yidhi “Waxa dhacday in warbaahintii ay dawladdu gacanta ku haysayna uu u ekaaday mid dhex-dhexaad ah oo wanaagsan, jaraa’idka kale iyo Telefishinkuna ay u ekaadeen qaar lagu shaqaysanayo oo ay ka muuqato aragti qabiil, aragti shakhsiyadeed IWM”. Laakiin gudoomiyaha UCID, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqaya jaraa’idka uu ka cabanayo wuxuu yidhi “Aad iyo aad baanu uga naxnay markii aanu jariiradda Jamhuuriya oo ninkii makarafoonka noo hayn jirey oo marka aanu abaabulka samaynayno aanu odhan jirey dumarka soo kici inuu sheegtay gudoomiye oo ay Jamhuuriya qortay, taasi waa arin xun waanan dacwaynayaa Jamhuuriya, wayna soo cadaynayaan halka ay ninka gudoomiye-nimada Maxamu Haybe ku siiyeen”, laakiin mar kale Faysal Cali-waraabe isaga oo kor u taagaya wargeyska Haatuf oo uu markaa gacanta ku hayey, kana cabanayey faallo ku soo baxday cadadkiisii shalay oo ku saabsanayd geedi-socodka ururada siyaasadda waxa uu yidhi “Waxaad qorteen UCID baad kala dilaacday, laakiin anagu maanu kala dilaacin, balse nin uu saar qabiil hayo oo tolkii doonaya ma joojin karayno, anaguse waxaanu nahay dad qabiil ka sareeya oo aanay cuqaali ku jirin oo aanay dagaal-oogayaal ku jirin, gudoomiyayaal qabiil ku jirin, dee markaa anagu nin qabiil hayo ma hayn karo, mana fiicna marka uu shakhsi baxo inaad tidhaahdaan UCID baa kala dilaacday, UCID-na ma aha wax kala dilaacday, UCID-na ma aha urur shakhsi wax u noqonaya, ma aha urur qabiil, ma aha urur gobol,  UCID xudunteedu waa aqoonyahanadii dalka, waxaanu u soo gurmanay inaanu dalka ka bad-baadino wax ma tarayaashii afartanka sannadood hortaagnaa, guushan way helayaan 70% dadka footaynayaa qabiil ma rabaan, kuwa merfeshyada fadhiista ee uu caqligoodu dhuuniga noqdayna anaga naguma jiraan, waana Illaahay mahadii in rag ay Somaliland la ahaan jirtey maar ay maanta dahab la noqotay oo ay madaxnimo u soo doonteen”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay, gudoomiyaha urur-siyaasadeedka UCID, Faysal Cali-Waraabe.

Kacaankii Dhergiga

Maxaa ciidamadii Itoobiya looga guulaystay:

 T

aliye NO:2:  “Intii aanu kari karaynay hub waanu diyaarinay, balse dadka wadne miyaanu u yeeli karnaa, mise waxaanu awoodi karnaa in inta aanu laabtooda kala jeexno inaanu u gelino wadne oo ma calool-adayg ayaanu u yeeli karnaa, anigu hadii aan garoonka ciyaarta ka imaado iyadoo la I soo dilay aabahay wuu I canaan jirey, laakiin iminka caruurta waxa lagu ridaa oo lagu qariyaa sanaaduuqda, waana la sii baroorta hadii la maqlo olalaha dagaalka ayaa cid loo dirayaan, run ahaantii waxa inaga muuqatay nuq-saan weyn” sidaa waxa yidhi Mingistu Xayla Marian, waxayna hadaladaasi ka mid ahaayeen khud-bad uu u jeediyey ardayda jaamacadda Adis-ababa.

Mingistu intii uu ahaa taliyaha guud ee ciidamada kacaanka Itoobiya waxa socday dagaalo is-daba jooga ah oo aan dhamaadka lahayn, laakiin inkasta oo aanu jirin qoraal muujinaya wixii uu qabtay iyo wixii uu gaystay toona, hadana waxaan la ilaawi karin dareenkii wanaagsanaa ee uu ciidamada kula dhaqmi jirey, isla markaana marka uu khud-badaynayo waxa uu karti u lahaa inuu yidhaahdo weedho dareenka ciidamada kiciya, wuxuuna ku cel-celin jirey ereyo ay ka mid yihiin “Ma aha in midnimada Itoobiya lagu meeraysto, waa inaynu difaacno midnimada Itoobiya”, isaga oo weliba xusuustooda dib u celinaya oo leh “Waynu wada ognahay halgankii ay aabayaasheen u soo galeen dalka Itoobiaya”, taana waxa uu uga jeeday inuu shucuurtooda kiciyo oo uu ku kaakiciyo dareenka wadan-jacaylka ah ee ay dalkooda hooyo u qabaan. Isla markaana arinta qudha ee ay ciidamadu ku tix-gelin jireen Mingistu waxay ahayd jacaylka uu u qabo dalkiisa hooyo iyo weliba sida uu u jecel yahay inay Itoobiya mid ahaato.

Itoobiya waxay ahayd dalka ugu ciidamada badan dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, waxayse su’aasha meesha taal tahay maxaa sababay inay ciidamada Itoobiya oo tiradaa leh ka guulaystaan ciidamo ay weligood-ba la soo dagaalami jireen ?.

Janeral No:28:  Markii ay kor u sii kaceen dagaaladii socdey tirada ciidamada Itoobiyana way sii badanaysay, taasina waxay keentay inay kartida ciidamada Ioobiya mar-ba marka ka dambaysta sii liciifto.

Saraakiisha ciidamaa xukuntaa markii hore taliye kastaa askari kasta oo ka mid ah ciidanka uu xukumo wuxuu yiqiinay magaciisa oo uu ugu yeedhi jirey, laakiin arintu waxay gaadhay heer ay saraakiishu kala garran-waayaan askarta ay xukumaan. Isla markaana uu lumo xidhiidhkii kala amar-qaadashada ee u dhexeeyey taliyaha iyo ciidanka uu xukumo, sidoo kalena inta ay meesha ka maqan tahay kala dambayn iyo kalsooni ciidamada lagu maamulaa cidna lagama guulaysan karo.

Ta kale tababarkii ciidamada midowga Sofiyeti laga soo qaatay ee (Triangal Command) hogaaminta saddex-xagalka wax aan xasilooni daro ahayn oo laga helay may jirin.

Waxa kale oo jirtay niman awoodo dad-ban lahaa oo kursiga lagu siiyey aaminaadda ay aaminsan yihiin hogaanka siyaasadda iyo nabad-sugidda oo ay xubno ka ahaayeen, kuwaas oo saraakiishii ka saraysay u ogolaan waayey fursad ay sida ay doonaan wax ugu qabtaan, caqabadna ku noqday madax banaanidooda, iyadoo ay saraakiisha had iyo goor loo sharaxayo siyaasadda iyo nabad-sugiddu ahaayeen niman aan heer derajo, aqooneed iyo karti toona u dhigmayn saraakiisha kale ee ciidamada xilalka ka haya, kuwaas oo ay hawlaha ciidamada ka wada tashan lahaayeen, wada shaqaynina ka dhexayso, wuxuuna waqtigu inta badan kaga lumi jirey is-mu’aamaradayn iyo wanjalaad. Tusaale ahaan aniga oo janeral ahaa hadii uu ii yimaado nin isbatoore ahi oo uu igu caawiyo wax aanan hore u arag aqoon iyo wax kale waxa ay doonto ha ahaatee waan qaadanayaa, laakiin ka soo qaad hadii uu isbatoore ii yimaado oo uu igu yidhaahdo go’aankaaga  ma aqbalayo, isaga oo awood iyo ra’yi aan jirin is-bidaya, halkaa waxa ka cad inay natiijadu noqonayso waxba la’aan.

Dhinaca kale saraakiishii ciidamada Itoobiya waxay ahaayeen kuwo ka soo kala baxay jaamacado milateri oo kala duwan, taasina waxay keentay inay galaan tartan dhinaca aoonta iyo istaraatijiyadda ah, laakiin tartankaasi wuxuu keenay colaad aad u balaadhan oo dhexmarat saraakiisha.

Goobaha lagu bixiyo tababarka iyo koorsooyinka ciidamada waxa ka abuurmay necayb iyo in la isdaba galo, laakiin sababta dhibaatada intaa le’eg keentay way dhib badnayd in si fudud loo arko ama loo ogaado, waxayna taasi ahayd saamayn khasaare ah. Hase yeeshee waxa iyagu jiray saraakiil badan oo naftooda u huray dagaaladii taariikhiga ahaa, kuwaas oo ciidamadooda la soo halgamay iyaga oo aan waxba ka hagranayn, waxayna saraakiisha caynkaas ahi ahaayeen qaar ay dadweynuhu aad ugu diirsan jireen, iyaga oo la dhacsan sida hab-samidda leh ee ay ciidamada u maamulayaan iyo geesinimada ay u dhasheen.

Waxa kale oo iyaguna jiray niman ciidamada ka tirsanaa oo khiyaamayn jiray guusha ciidamada, kuwaasina dembiga ay ciidamada ka galeen ma ahayn wax yar, laakiin waxay arintu socotaba waxay ugu dambayntii xaaladdu soo gaadhay inay saraakiishii ciidamadu ku dhaqdhaqaaqdo musuq-maasug iyo daba ka wareeg, taasina waxay si weyn u saamaysay xaaladdii dagaalka iyo mooralkii ciidamadii goobaha dagaalka, iyadoo ciidamada had iyo goor lagu khasbi jirey inay waqti badan dagaalamaan, taas oo aanay marna wax nasasho ah ka heli jirin hawl-galada dagaalka. Tusaale ahaan waxa dhici jirtey in laba guuto oo iska barbar dagaalamaya la yidhaahdo guutadii dhinacaa waa la baabi’iyey, guutadii kale ee ka dhinac dagaalamaysayna waa la baabi’iyey, taasina waxay ciidamada had iyo goor ku keentaa niyad jab, iyadoo dhinaca kalena aanay ciidamadu haysan daawooyin iyo raashin wax u tara. Sidoo kale waxa mararka qaarkood dhici jirtey in marka ay ciidamada goobaha dagaalku rasaas codsadaan ay dhacdo in raashin loo soo diro, sidoo kalena iyaga oo raashin ama daawo dal-baday loo soo diro rasaas ama waxyaalo kale.

Tusaale ahaan askari kasta oo ka tirsanaa guutadayda wuu ka tegay dhishibiliinkii askarinimo ee uu hore u lahaa, waxaana la gaadhay xaalad aanay jirin kala dambayn maamul iyo kala sarayn midna, sidaa darteed waxa dhacday inuu nin waliba ninkii ka sareeyey amar ka qaadan waayo, taasina waa arin dhibaato badan u leh goobta dagaalka, waxayna taas oo kale keentaa anshax-xumo iyo kala daad-sanaan badan, sidaa awgeed waxa goobaha dagaalka ku dhintay niman badan oo ay dhabarka ka toogteen ciidankii ay ka tirsanaayeen.

Marka laga reebo inyar oo raali ka ahaa inay is qoraan ciidanka mooyee waxa ciidamada ku badnaa kuwo la soo khasbay iyo qaar kale oo markii ay shaqo kale waayeen shaqo ahaan u soo galay ciidamada, sidaa darteed aan doonayn inay dagaaladaa naftooda ku waayaan, taasina waxay xaaladda dagaalka ku ahayd adhax-jab.

La soco cadadka dambe………

Raadyow ma qaloocshe

H

alkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydun ka dhegaysataa mawjadaha taag taagan ee kaftan aqoonka ah iyo hirar gaagaaban ee ilaaq-yahanka ah.

Akhyaartayada indhaha buur-buuranow waxaynu soo gaadhnay amintii aynu isku fara baxsan jirey ee aan wixii war carro-edeg jira idin huluuqsiin jirey, idinkuna aad weeyada guri jirteen, maantana waxa sanka idinka gelin doonaa weriye ina faro fiiq-fiiq MR. Boole-boole.

Warkii oo qaadiraysan

Dalka Raashiya ayey ku bakh-bakhtiyeen dad ka badan boqol iyo badh qof, ka dib markii ay askarta Ruushanku waabay ku saydhiyeen gole riwaayadeed ay koox argagixiso lagu sheegay riwaayad fejac leh ku dhigayeen, laakiin riwaayadaasi waxay xumaatay markii ay askarta ruushanku fanaaniintii ku af-rogtay waabayda dadka kaga qoslisa, waabaydaasina waxay nafta ka xayuubisay dhammaan kooxdii riwaayadda dhigaysay iyo dad kale oo tamuuxdaa le’eg, iyadoo ay ilaa laba boqol oo kalena yaq-yaqsi la il-darran yihiin oo cusbataalada lagu mas-maslaxayo.

Arintani waxay maryaha ka qoysay madaxweynaha dalka ruushanka Bilaadamiir Buutin, iyadoo ay dawladda Maraykaanku Bilaadamiir ku tilmaantay khashiin dhako yuuban oo aan garanayn sida argagixisada loola shaqaysto iyo sida loo metelo waabayda dadka kaga qoslisa.

Nejis-Nejis dhalay oo Maraykaanka u hadlay ayaa yidhi “The Raashiyan  Camaan is e buur Aktaris, bikaws they yuusidh baadh kuwaati kiimiko Oh may Sooljar”.

Inkasta oo dalka Raashiya argagixisada ku habsatay darteed ay markii hore dunidu la yara calaacashay, hadana waxay dunidu ku orisay markii uu haanka ku dhuftay argagixisadii iyo intii ay haysteen-ba, waxaana lagu eedeeyey in waabayda uu isticmaalay ay suntu ku biyo dhacday  oo uu darjiidh meesha ku jirey.

Madaxweynaha Raashiya oo ay geeri iyo godobiba u soo hoyatay ayaa bahal cadho ah meel cidla ah isla yuubay, wuxuuna yidhi “Wii aarnot afraydh, wii haaf de ganis and shuut dem Terariisam layk ee Maraykaan”.

Kooxdan argagaxa dhigtay may ahayn qaar cusub, balse fagaarayaasha Raashiya waxaa ku cusbaa riwaayadahan oo ah qaar dheel-dheel ahayn ee la iskaga quruufayo, kooxdanina waxa sida la sheegay ay ka soo shaqo tagtay shaan-shaan oo ah qolyaha Ruushanka la kala cuudiyo oo waayo hore loo kala caro-qaaday.

Waabaydan oo la sheegay inay ahayd bahal qol ku raag ah waxa loo malaynayaa inuu hore Soofiyeetigu nukliyeer ugu walaaqay oo uu meel ku ilaaway.

Caro Sawaaxil

Tuulo ku taal Carrada sawaaxiliga ee xagga koonfureed inaga xigta ayaa la sheegay in meeshaa lagu shidayo cuud lagu raadinayo dawladdii Somaliya.

Shir indhowaaleba tuuladaa ka qooqayey oo ay shirab iyo qoyto ka dhacayso ayaa fadhfadhaya amuurta abda beeshay, waxayna habar Sawaaxiliyada oo uu Raadyowgu meel afka uga dusiyey sheegtay inay heshiis kala saxeexdeen ragga kala ah: Malaaqyada, Wabarada, cawsleyda, mooryaanta, mudacyaleyda iyo madax-wadhafyada beelaha, waxaana xaajada la kala saxeexday ogolaaday hogaamiye kiishashka, qab-qableyaasha, quuf-quuflayaasha kooxaha ee (e.s.e.s) ina Itoobiya, (e.s.e.n) ina Masar, (e.s.e.r.e) ina Keenya, (e.s.e.m) ina Suudaan, Lax-lax ina Uganda, Ka, ma ina Jabuuti, Na Na ina Nuurto, Dhidhi Khadiijo Warsame, Xaxa Xasan Bariisle, Fafa Farxiya Cali Qaaje iyo Caca Cadow Muuse, waxayna dhammaan kooxahaasi ku heshiiyeen in si ku meel-gaadh ah agagasnimada loo kala joojiyo oo nacasnimada iyo saqajaanimada la kala dabaalo si loo caynaaniyo hanbada ciyaalka Somaliya.

Shirkan oo aanan qotadiisa aad u fadh-fadhin, laakiin aan u maleeyey inuu shirarkii hore ka nacasnimo yar yahay, kana juruq-juruq yar yahay, taas oo loo malaynayo inay aamusnaantu ka dhalatay is af-garad la’aan, ka dib markii ay naakhuudayaasha shirka darawalinayaa bahal af-ingiriisi ah oo buur-buuran dabada u qabteen Somalidii meesha soo kuududsatay si aan loola murmin, taas oo la sheegay inay ergooyinkaasi Yes yes-ta la raqleeyeen, No-da yareeyeen.

Mid ka mid ah ergooyinkaa ayaa isaga oo amakaagsan yidhi “Adeer yeesta miyaanu awel cadaanku lahaan jirin goormay Kiiniya ka qaaday, mise tolow way ka soo yara amaanaysteen”.

Si kastaba xaajadu ha ahaatee shirkan oo ay ilma IGAD hadhuubka u hayaan lama oga inay ka ilbixi doonaan agagasnimadii kuwii hore dubatay iyo inkale.

Akhyaartayada dhegaha yuub-yuubanow bal aynu u yara xiiq tirano warka anaga oo iminkana idinku dal-dali doono tix gabay ah:

Sidii habar Ibtilo luudaysa oo aad, naag sodoh ah moodo.

Ama oday mir-qaan sare la tegay, ood ruux il-darran moodo.

I dhegaysta gabaygaan tirshaa, suuqa laga waaye.

Shankaroonta soo shuurisee, sharafta luudaysa.

Nin ragaa yaaqaanee, ardooy nacasna haw sheegin.

Dawladnimo haday digir cad iyo, moofo noqonayso.

C/qaasin baa cuni lahaa, ciddi ka qaadeene.

Dawladnimo hadday kimis tihiyo, maraq basbaasaysan.

Itoobiyaa  ayaantii horeba, aayar cuni layde.

Sharaab hadday kooke, iyo faanta noqonayso.

Jabuuti baa sidii caano geel, soo qudh-qudhin layde.

Jaad iyo hadday dadar tahoo, lagu mir-qaamaayo.

Anigiyo rag aan garanayaa, gawska gelin layne.

Afartaa sidii caano diiq, mawla soo cararay.

Coofaadha gabay Bullooy, waad igu cantuugtaaye.

Waad iga calyeysaa, sidii calanji buureede.

Markaan caashaq fiiq-fiiqayaad, iga carshaysaaye.

Argagixiso gabay baad tahee, waan la garanayne.

Orod iga Ruush baa la yidhi, Dumaradii laaye.

Cawralaay tamaandhaad tihiyo, Liin la soo dhiliye.

Marna diric la soo iibiyoo shiid ah, baad tahaye.

Hadii roob ku helo, iga walaad yara qoyaantaane.

Timo baabuleeyey, adaan belo ku moodaaye.

Shaydaan basiire leh, jin boos la mirataaye.

Allaw yaa intuu kula balamo, kaaga baxa caawa.

Somaliland Waxay U Baahantahay Isbedel ka Weyn Magacyo Isbedela! Faallo cumar D. Cumar

Umada oo fahamta waxaa ay waqtiga u baahantahay waxay ka mid noqon kartaa wadooyinka lagu xalinayo in catabadaha laga hor qaado umadaas, haddii ay garaato sidee loo suurta galin karaa waa talaabo u soo biirtay danaha umada, su’aalo dhawra oo laga jawaabo sidii ay umadi danaheeda si xaqaa’iqa waafaqsan ugu hawl gali lahayd runta  duruufta jirta oo aan la isna margeysiin ama aan qancin laga dhigin wax aan markaa muuqan oo ay ka mid tahay ma awoodi karno, ummada ay arrintaasi ku aroorta waa danaha dadka iyo dalka aynu  eegno dhacdadan soo socota, cige waa madax tuulo ka tirsan Somaliland, xilka uu cige hayo hadda wuxuu ka dhaxlay aabihii muddo hadda laga joogo (50) sanadood, xilkiisa waxaa loogu yeedhaa haydh tuulo uu ah (Head Villege), tuulada uu  hadda cige Madaxda ka yahay waxay u jirtaa xarunta Somaliland ee Hargeysa 19km, waxaana hadda ka dhisan ilaa (6) aqal oo dergado ah, laakiin tii ugu horeysay waxaa dhisay aabihii, xiligii uu aabihii dhintay wuxuu ahaa 18 jir weligii cige waxbarasho muu gelin, carruurtiisuna hada ma dhigato iskuul oo waayo ma leh tuuladiisu iyo tuulooyinka u dhaw toona, cige tuuladiisa ma leh waxyaabaha aasaasiga ah ee nolosha sida biyaha, caafimaad, iwm, cige inkastoo tirada guryaha ee tuuladiisu ay yaryihiin, haddana deegaan badan oo reer guuraa iyo beero yar yar, oo roobka wax ku beerta ayay tuuladiisu ka koobantahay, ilaa kun qoys ayuu xukumaa, cige intuu uu hayay xilkan wuxuu tuuladiisa iyo magaalada ay dadkiisu ka soo muraadsadaan ama laga xukumo ee Hargeysa kula kulmay masuuliyiin badan oo isugu jira Ingiriis iyo Soomaali, xataa qaar talyaani ah iyo jarmal, cige aad ayuu ugu wanaagsanyahay xusuusta waana ku gob soo dhaweynta cidii ku booqata deegaanka u Madaxda ka yahay, cige in badan ayuu maamulo dawladeed taageeray, amuuro ay leeyihiin fuliyay, waxaa kale oo uu la shaqeeyay jabhad oo uu u huray xoogiisa iyo hanti wuxuu heli karayay, cige sanadkan 2002, oo uu yahay nin waayeela wuxuu in badan soo dhaweeyay ururo Siyaasadeed oo uu dadka uu xukumaa u soo abaabulay inay dhagaystaan laakiin doorkan cige aad ayuu u fikiraa intuu dooyaysto geedkii lagu saaray xilka uu maanta hayo (50) sanadood ka hor. Cige waxa uu isweydiinayaa in Maamulada soo maray intooda badan waxa ay ku kala duwanyihiin, wuxuu jawaabtii isku qanciyay in ay magacyo kala leeyihiin laakiin aan dhinaca horumarinta deegaankiisa aanay waxba ku kala duwanayn, cige wuxuu maskaxda ku hayaa wixii uu ku soo arkay waa dhawayd oo uu tagay Hargeysa oo habeen la joogay guri uu leeyahay nin ay ehel yihiin cige habeenkaa wuxuu TV-ga CNN ee maraykanka ka daawaday qiso laga sheekaynayo deegaan ka mid ah dalalka Eeshiya siduu ahaa (50) sanadood ka hor iyo maanta horumarka uu gaadhay mudadaa, runtii cige waxaa u soo baxday in konton sanadood ka hor ay tuuladaa CNN-ku ka sheekaynayay iyo tuuladiisu aanay wax badan is dheerayn laakiin ay (50) kaa sanadood tuuladii  isna bedeshay dhul aad u horumarsan laakiin aan isaga tuuladiisa wax la taaban karaa aanu u kordhin, cige arrintan wuxuu ku dabaqay xaaladda ururada hadda ku soo mara tuuladiisa ee ku jira ololaha siyaasada, waxaanu yidhi tuuladan iyo Somaliland isku duuboo waxay u baahanyihiin isbedel  ka weyn magacyo isbedela..

Qalabka ku Shaqeeya Tamarta oo loo isticmaalayo mishiinada waraabka iyo korontada lagu isticmaalo, raadyowga iyo TV-ga

Bandhig carwo ah oo lagu soo bandhigay guriga hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland xarunteed Hargeysa ilaa maalintii shalayna socotay ayaa waxa lagu soo bandhigay qalabyo kala duwan oo ku shaqeeya ilayska cadceeda oo la bedelay oo tamaro  sida kontada loo adeegsan karo, ujeedooyin badan qalabka iyo qoraalada ka hadlaya sida ay u shaqeeyaan  qalabkaas kala duwan ee ku hawl gala ilayska cadceedu , siyaalaha loo isticmaalo, faa’iidooyinkooda iyo dayactirkooda hay’adaha qaarkooda iyo qalabka ay sameeyaan lagu soo bandhigay carwadaas waxaa ka mid ah shirkada Phacsun oo ku taala magaalada Asmara ee dalka Eretaria.

Guud ahaan qalabka ku shaqeeya ilayska cadceedu waa kuwo leh faa’iido daryeel deegaan oo aan hawada, ku dareyn waskhayn marka la barbar dhigo mishiinada ku shaqeeya batroolka, naaftada, iyo gaaska, ee loo adeegsado qalabyadan hadda loo helay in ay ku shaqayn karaan tamarta cadceeda.

Shirkada Phacsun ee Eretaria waxa soo  bandhigtay  qalab ku  haboon deegaanada miyiga iyo tuulooyinka aan lahayn mishiinada, laydhka laga gashado waxaanu qalabkani ku siin karaa laydhka guriga ama meherada, tamar aad ku bedelato  baytariga raadyowga oo sidiisa ku shidi karta raadyowga iyo haddii aad leedahay TV-ba  xarumaha caafimaadka tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah qalab cadceeda ku shaqeynaya oo leh qaboojiyayaasha oo dawada lagu keydiyo iyo qalabka Isgaadhsiinta, waraabinta xoolaha oo biyaha laga soo nuugo ceelasha iyo barkadaha ayaa ka mida hawlaha loo adeegsan karo qalabkan ku shaqeeya cadceeda ee ay soo bandhigtay shirkada Phacsun ee ku taala xarunta dalka Eretaria ee Asmara.

Qalabkan ku shaqeynaya tamarta cadceeda ee dalkan Somaliland ku qaniga ah waxaa kale oo ka mid ah biyo kululeeya loo isticmaali karo biyo diirinta xaliyada qabaw ee ay dadku u baahanyihiin.

Mishiino waraab oo ah nooca dhaqaaleeya biyaha ee xidida laga waraabiyo beerta (Drip Irrigation) qalab loo isticmaalo oo waraabin kara ayaa ka mid ah kuwa iyaguna aan u baahnayn in aad batrool iyo naafto midna ku shubto ee ku shaqaynaya cadceeda ilayskeeda soo gaadha tamartiisa oo uu qalabkiisa u bedalayo awood qaban karta hawlaha kala duwan mishiinada biyaha soo tuura ee ku shaqeeya tamarta cadceeda waxa ay ka soo tuuri biyaha ilaa 200 oo mitir, muga biyaha  ee ay soo tuuri karaan waa mid ku xidhan nooca mishiinka la adeegsaday ee ku shaqaynaya tamarta cadceeda sida madaxa mishiinka, qaabka uu ugu xidhanyahay dhuunta ay u soo marayso  tamarta cadceeda ee loo bedelay awood biyaha soo tuuri karta.

Tamarta  laga helay ilayska cadceeda waxaa xataa loo isticmaalay idaacadaha Isgaadhsiinta shirkado badan ayaa hadda jira dunida oo sameeya qalab ku shaqeeya ilayska cadceeda oo loo adeegsado hawl fududaynta adeega dadka.

Diblamaasi maraykan ah oo lagu dilay Urdun

C

amaan (W. Wararka) Diblamaasi u dhashay maraykanka ayaa maalintii shalay lagu dilay caasimada dalka Urdun ee Camaan. Diblamaasigan oo la yidhaahdo Loranis Fawli oo ka tirsan hay’ada mucaawinada dibadda maraykanka USAID waxaa la dilay isaga oo ka tagay gurigiisa kuna socda xafiiskiisa markaasoo rasaas lagu furay isaga oo maraya mid ka mid ah wadooyinka waaweyn ee caasimada Camaan. Wararkii u horeeyay ee ka soo baxayaana waxay sheegayaan inuu falkan geystay nin kaliya oo rasaas ku furay diblamaasiga oo markiiba halkaa ku dhintay.

Dawladda Urdun ayaa war ay soo saartay ku balan qaaday inay ka aargoosan doonto cidii falkan ka dambaysay oo ay baadhitaan ku hayaan Ciidamada amaanka ee dalkaasi.

Wasiirka warfaafinta ee dalkaasi oo dhacdadan ka hadlayay ayaa sheegay in aanay weli cadayn cidii ka dambaysay balse uu yahay xadgudub lagula kacay qaranimada dalkiisa dawladda maraykanka ayaan iyadu ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin dhacdadan balse waxa la sheegay in ay shir arrintan ka leeyihiin khuburada la dagaalanka waxa loogu yeedho argagixisada.

Waxaa kale oo la xoojinayay amaanka safaarada maraykanka ee Camaan iyo safaaradaha ay leeyihiin dalalka kale ee reer galbeedka ahi.

Kooxda Newcastle oo fursadi u hadhay haddii ay ka badiso Dynamo Kiev

G

uruubka (E) ee kooxaha koobka horyaalada ayay Kooxda Newcastle waxaa ugu jirta fursad ay mar kale uga soo dhexmuquuran karto tartankaas haddii ay ka adkaadaan Kooxda Dynamo Kiev ciyaarta ku dhexmari doonta st, James Park.

Kooxda Kiev waxay kaga jirtaa kaalinta labaad kala horeynta kooxaha guruubkan (E) ee ugu dambeeyay ciyaarna guul lamay kulmin

Juventus ayaa iyana ay u laabantahay ciyaarta la yeelanayso Kooxda Feyenord ee garoonka Delle Alp Allessandro Del Peiro iyo Ciro Ferara ayaa dib u bilaabaya ciyaaraha oo ay u saftaan, laakiin David Trezenguet ayaa isagu weli ka maqnaan doona safashada ciyaaraha soo socda ee Kooxda Juventus, Feyenord oo iyadu soo dhamaysatay ciyaarihii hore shan kulan oo ay ku guul daraysatay waxaa ka maqnaan doona iyaga Bona Venture Kalou.

Gool Haye Fabien Berthez oo su’aal iska weydiiyay goolhayaha cusub ee kooxdiisa ku soo biiray

Goolhayaha Kooxda Manchester United Fabien Berthez ayaa lagu saaray culays sabab ah dhawr ah khalad oo  ciyaareed oo uu sameeyay xili ciyaareedkii hore, Berthez wuxuu  waydiiyay   tababaraha kooxdiisa Sir Alex Ferguson go’aanka uu ku ogolaaday heshiiska ay kooxdiisu la gashay goolhayaha Ricardo markii uu Ferugson bixiyay  (1.5) milyan, hal milyan iyo badh giniga istaraliinka ah oo lagula heshiiyay  goolwalaha isbaaniska ah ee  Ricardo bishii August, wuxuu markaa goolwale Berthez filayay in uu loolan ku jiro kaalinta uu uga ciyaaro Kooxda Manchester United ee goolhayenimada.

Gool haye Berthez oo ah xidig u  ciyaari jiray Monaco wuxuu isagu diiday  in arrintaa ay wax culaysa isaga ku hayso “ma garanayo wuxuu heshiiska u saxeexay, hubaal aniga ima bedelayo, joogitaanka Ricardo waxba aniga igama khuseeyaan, ma jiro tartan xagiisa aanu ku wada jirnay, wax wal oo aad dhinacayga ka maqashaa mawada ah xumaantaydii ugu darnayd, dhamaantood waa faro galin dadeed oo ay ku doonayaan in ay hoos iigu dhigaan, waxay la mid tahay ku tidhi ku teentii lagu sheegay in aan anigu Kooxda Manchester United uma malaynayo, maamulaha kooxduna waxaa arrintaa iigama sheegin mana garanayo halka uu warkaasi ka yimid anigu waxaan ahay qof kaliya ee og  xorta naadiga ka jirta, cidii kalena waxba igama khuseeyaan maan ahayn qof hadal  badan, waxa I khuseeyaa waa guusha, sidoo kalena kooxdayda wax macno la leh guusha, sidaas aanu ku talo galnay oo aanu ku dhaqmaynaa”.

Alex Ferguson oo Ciyaarta Kooxdiisa Ay La Yeelanayso Maccabi Haifa ciyaarsiinaya xubnihii keydka ee kooxdiisa,

Madaxa Kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa qorshaysanaya in u  isbedel weyn ku sameeyo ciyaartoydii kooxdiisa sida rasmiga ah ug safan jirtay ciyaarta koobka horyaalada ee ay la yeelanayaan Kooxda Maccabi Haifa ee dalka Israa’iil.

Ciyaartan Manchester United iyo Maccabi Haifa oo ka dhacaysa salaasada dalka Cyprsu, waxaa ka maqnaan doona dhinaca Manchester United David Beckam iyo Ryan Gigga oo labaduba dhaawacyo qaba, iyaguna aan safanayn Roy Kean, Nicky Butt, Rund Van Nistelroy oo jugo dhaawac qaba oo aan ciyaarta maanta u safanayn kooxdoodii Manchester United, ciyaartoyga kale Fabien Berthez, Laurent  Blanc, Juan Sabastin Veron ayaa iyaguna ka nasan doona ciyaarta soo socota ee Manchester United. Todobaadkii tagay ayay, Kooxda Manchester United u gudubtay warega labaad ee isreeb reebka koobka horyaalada ka dib markiiay 3-2 kaga badisay Kooxda Olymiakas ee Giriiga, ciyaartoyga kaydka u ah Manchester United ee fursada la siinayo ciyaartan ka dhacaysa Khubrus (Cyprus) maanta ee ay la yeelanayaan Maccabi Haifa waxaa ka mid ah Mads Timm oo ka ciyaara weerarka una dhashay Denmark, Gool hayaha kaydka ah Roy Carrol ayaa isna safan doona ciyaartan kaalinta dhalinyarada waana fursad iyga aad ugu wanaagsan sidaa waxaa yidhi Sir Alex Ferguson oo ka hadlayay qorshihiisa oo ciyaarta maanta ah ku safayo ciyaartoyga kaydka u ahaa kooxdiisa, waa markoodii u horeysay ee ay ka qayb galaan ciyaarahan oo kale waana talaabo horumar u ah dhinacooda, laakiin waa rag karti u leh iyo awood ciyaarta waxaan ku rajo weynahay inay si wanaagsan u ciyaari doonaan”

Ciyaartoyga ka ciyaara difaaca ee Manchester United Eric Ejiafor ayaa isna ka maqnaanaya ciyaarta ay la yeelanayaan Maccabi Haifa isagoo qaba ganaax laga joojiya hal ciyaar iyo jug dhaawaca oo gaadhay ciyaartii sabtidii waxaanu u baahanayaa muddo uu ku soo kabto,

Ciyaar Saaxiibtinimo oo dhexmartay kooxaha Gobanino iyo D/H/ ee Harta sheeka

H

argeysa (Haatuf): Kooxda kubada cagta ee suuqa Ganacsiga gobonimo ayaa shalay ciyaar saaxiibtinimo la yeelatay Kooxda kubada cagta ee dawladda hoose ee harta sheekha oo ka tirsan dawladda goboleedka Soomaalida Itoobiya oo haatan socdaal ku jooga Hargeysa.

Ciyaartan ay labada kooxood wada yeesheen oo ka dhacday garoonka kubada cagta ee Hargeysa Staduim oo ahayd mid xiiso badan leh waxa ay guushu ku raacday Kooxda kubada cagta ee suuqa gobonimo 4-1 kaga badiyay Kooxda ka socotay Harta sheekha. Waa markii labaad ee ay labada kooxood yeeshaan ciyaar saaxiibtinimo iyadoo ay Kooxda suuqa gobonimo hore socdaal ciyaareed ugu tageen Harta Sheekha markaasoo ay labada kooxood wada yeesheen ciyaartii hore ee saaxiibtinimo halkaasna ay guushu ku soo raacday Kooxda suuqa gobonimo.

Kooxda Harta Sheekha iyo suuqa Gobonimo ciyaar kale ayaa maanta lagu wadaa inay ku yeeshaan garoonka xawaadle ee magaaladan Hargeysa

“Wasiirku wuxuu Meel Kaga Dhacay Waxgaradkii Somaliland

mudane Axmed Muuse Geedi (Sanjab) Xoghayaha UCID

H

argeysa (Haatuf): Qoraal ka hadlaya dhaqdhaqaaqa siyaasada ee xubno ka tirsan ururka UCID ku tageen magaalooyinka iyo deegaanka ka tirsan degmada Gebilay, talaayin iyo dhinacyo kale ayaa shalay soo gaadhay xarunta Wargeyska Haatuf ee Hargeysa qoraalkaasi wuxuu qornaa sida hoos ku qoran,

Gebilay:

Waxa lagu qabtay xaflad ballaadhan oo dadweyne waxa ka hadlay

Axmed Muuse Geedi, xoghayaha ucid, Maxamed Cabdilaahi xogahayaha maamulka, Maxamed Odowaa Xoghayaha abaabulak gobolka, Maxamuud Sh. Xasan madar xubin Golaha dhexe, Cabdi Xasan qalinle Golaha dhexe

Waxay ka hadleen hawlaha doorashooyinka golayaasha deegaanada, gaar ahaan degmada gebilay waxay dadweynaha usoo bandhigeen in ay ku soo xushaan xubnihii Golaha deegaanka ee ay ka hogaamin lahaa, waxay la kulmeen cuqaasha aqoonyahanada, culamada, waxgaradka kale ee reer gebilay, waxay kala tashadeen xulashada xubnaha ucid u sharaxayo tartanka doorashooyinka deegaanka, Xoghayaha guud ee ururka axmed Muuse geedi waxuu si qoto dheer uga hadlay dakhliga degmada gebilay ee faraha badnaa ee laba iyo Toban sano soconayay iyo madaxdii iska bedeshay degmada waxa ay ka qabteen xaaladihii bulsho ee ku burburtay halgankii dheeraa ee umadu soo martay sida

Caafimaadka, Waxbarashada, biyaha, wadooyinka, daryeelka mujaahidiintii ku naafowday halgankii, iyo baahiyaha kale ee bulshada, waxa kale oo ay socdaalkooda kusoo mareen deegaanada Kala-baydh iyo Tog-wajaale oo ay dadka kala hadleen qodobadan oo kale. Imisa mashruuc oo waxtar leh ayaa laga hirgaliyay cashuurihii la idinka qaadayay 12 sanadood, waxaa la idinka rabaa inaad cugtaan sama ka taliyo u hambeeya  mustaqbalka oon heer cun ahayn

Inay u diidaan codkooda madaxdii hore ee leexsaday wax loogu qaban lahaa bulshada allay baday

Waxa laga hirgaliyay hawlahan soosocda

Dhismaha xafiiska ucid ee degmada allay baday

Dadweynaha reer alaybaday oo ay kala hadleen meel fagaare ah

Shirka oo aad loo agaasimay dareen iyo xmaasad aad u waynina ka muuqatay waxa ay masuuliyiintu kaga hadleen qodobadan

Qaabka xulashada Golaha deegaanka ee degmada allay baday oo aan saamiga ay ku yeelaan doonto degmada allay baday,

Degmooyinka darajada D ee ay allay baday ka mid tahay oo aan yeelan doonin gole deegaan xiligan doorashada ee fooda inagu soo haya, xeeladaha liita ee ay keeni karto iyo sida laga yeelayo, waxay wefdiga ucid la kulmeen odoyaasha, aqoonyahanada culamada, iyo waxgaradka kale ee degmada allay baday, waxay kala hadleen

Waxqabadka dawladda hoose ee 12ka sano ee la soo dhaafay ee degmada allay baday, wefdiga UCID iyo waxqabadka degmadu waxay istuseen in xukuumadu khaladaad iyo baylihin weyn u geysatay deegaanka markuu wasiirkii hore ee caafimaadku ka eryay wadanka hayadii samafalka jarmalka ahayd ee daryeeli jirtay caafimaadkooda gaar ahaana xanuunada ay dhaliso kaneecadu. Waxay waxgaradku noo sheegeen in daawooyinkii hay’adaasi kusoo dejisay dekeda Berbera u wasiirku u leexiyay meelo ayna haba yaraatee.

Maayarkii iyo masuuliyiintii kale ee degmada ayaguna ku socda dhabada wasiiradu jidaysteen oo aan cidnaba ka qarsoonayn.

Wasiir wuxuu meel kaga dhacay waxgaradka Somaliland markuu shalay ku faafiyay jaraa’idka in masuulka ururka KULMIYE lagu Xidhay arrin ku saabsan deyn u ku leeyahay nin reer koonfureed ahi lacagta xamar cade lagu kala qaatay ayaa gebilay garteeda Cabdilaahi ku galay waa yaabka yaabkiisa. Dadweynow nakala furta oo arrintan si cadaalad ah uga  hadla, waayo haddii arrintan oo kale laga hiran doono degmooyinka kale doorasho la arki maayo.

Aqoon isweydaarsi xuquuqda shaqaalaha oo ka furmay Hargeysa

H

argeysa (Haatuf): Aqoon isweydaarsi ku saabsan xuquuqda shaqaalaha oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ILO xafiiskeeda Hargeysa ayna ka qayb qaadanayaan qaar ka mid ah wasaaradaha dawladda,  hay’adda shaqaalaha dawladda iyo xidhiidhka guud ee Shaqaalaha ayaa dorraad ka furmay Hotel Maansoor ee Hargeysa

Xaflada furitaanka aqoon isweydaarsigan oo ay ka qayb galeen Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland iyo wakiilka hay’adda shaqaalaha adduunka ILO ee bariga iyo badhtamaha Afrika Maxamed Cali  Ibraahim waxa uu socon doonaa muddo 8 maalmood ah. Qodobada laga hadlayo mudadaa uu socdaana waxa ka mid ah xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo gaarka kuwa ahba ay leeyihiin iyo kuwo lagu leeyahay iyo sharciga isu keeni lahaa qofka shaqaalaha iyo ka loo shaqeeyaha ah sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo.

Aqoon isweydaarsigan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalka lagu qabto waxa qabanqaabadiisa ka shaqeeyay madaxa xafiiska hay’adda ILO u qaabilsan bariga iyo badhtama Afrika Maxamed Cali Ibraahim hadal furitaanka aqoon isweydaarsigan ka jeediyay waxa uu kaga waramay ahmiyada uu aqoon isweydaarsigani leeyahay iyo sida loogu baahanyahay in la helo sharci kala haga shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha.

Wasiirka caafimaadka iyo shaqada Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo isna hadal ka jeediyay furitaanka aqoon isweydaarsiga ayaa u mahad naqay wakiilka hay’adda ILO Maxamed Cali Ibraahim oo aqoon isweydaarsigan soo qaban qaabiyay isaga oo intaa ku daray ahmiyada ay leedahay in ay helaan cid ka caawisa xuquuqda shaqaalaha iyo dhismaha waaxda shaqada ee wasaaradiisa.

Waxaa kale oo ka hadlay munaasibadaasi Wasiirka Qorshaynta Axmed Xasan Caafi oo sheegay sida ay muhiim u tahay inay shaqaaluhu helaan xeer damaanad qaada xuquuqdooda.