Haatuf News

Cabdiqaasim salaad

M

uqdisho (Haatuf): Laba kun oo ton oo Bariis ah oo ay dawladda Liibiya ugu deeqday maamulka kooxda Carta ayaa Djibouti ku xanniban, kadib markii sida warar xog-ogaal ahi sheegeen C/qaasim Salaad u dhiibtay Wakiil u gaar ah oo halkaas jooga.

Wararku waxay intaa ku dareen in mudadii uu socday shirka Eldoret uu C/qaasim Xamar ka soo diray nin gacan-yare ugu ah arrimaha ganacsiga, si uu Bariiska ugu soo raro Xamar, taas oo markii ninkii Djibouti gaadhayna uu C/qaasim laftiisu ka soo daba diray fariin kale oo uu ku dalbanayo in Bariiska cid kale oo Djibouti joogta loogu wareejiyo shixnaddan Bariiska ah oo markii hore C/qaasim ku dalbaday magaca raashin la siinayo ciidanka kooxdiisa ee deggen Xamar, waxa imaatinkeedu ku soo beegmay waqti uu dalka Kenya ka socdo shir lagu heshiisiinayo kooxaha ku hirdamaya Somaliya oo ay ka mid tahay ta C/qaasim, balse isagu weli ka maqan yahay shirkaas, kadib markii loo diiday inuu kaga qaybgalo maqaam madaxweyne dawladeed, taas oo meesha ka saartay rajadii uu hore u qabay ee ahayd in shirka Kenya u dhaco qaab laba dhinac oo kala ah kooxaha hubaysan iyo maamulka C/qaasim oo dawlad ahaan loo aqoonsado.

Waqcaddan siyaasadeed iyo kuwo kale oo ka horreeyaba ayaa sida ay wararku sheegeen C/qaasim ku riday niyad-jab iyo calool-xumo farabadan, taas oo loo malaynayo inay sabab u tahay hanti badan oo magaca kooxdiisa lagaga soo qaaday dawladaha Carabta oo uu isagu leexsaday sida Bariiskan iyo hal milyan oo dollar oo kaalmo ah oo madaxweynaha Sudan, Cumar Al-Bashiir uu dhowaan guddoonsiiyay C/qaasim, taas oo warar laga soo xigtay Jaamacadda Carabtu sheegeen in ay jeebkiisa gashay.

Wasiirka gaashaan-dhigga ee Faransiiska

D

jibouti (Sharqul-Awsad) – Haweenayda wasiirka Gaashaan-dhigga ka ah dalka Faransiiska Michal Marci ayay u dhammaatay booqasho ay toddobaadkan ku tagtay dalka Djibouti, iyada oo muddadii ay Djibouti joogtay la kulantay madaxda dalkaasi oo ay ka mid yihiin madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, Ra’iisal-wasaare Dilayta Maxamed Dilayta, iyo wasiirka Gaashaan-dhiga, Ugure Kifle oo ay ka wadahadleen sii xoojinta xidhiidhka dhinaca Gaashaandhigga ee ka dhaxeeya labada dal. Waxa kale oo ay booqatay saldhigyada miletari ee uu Faransiisku ku leeyahay Djibouti.

Sida uu qoray wargeyska Sharqul-Awsad ee ka soo baxa London cadadkiisii soo baxay 28/10/2002, wasiirku waxa ay sheegtay in ay guul ka gaadhay wadahadaladii ay la yeelatay madaxda Djibouti si sare loogu sii qaado iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, waxaanay intaa ku dartay in saldhigyada ay ciidamadoodu ku leeyihiin Djibouti ay yihiin qaar lagu kalsoon yahay ammaankooda, wax khatar ahina aanay u dhaweyn. Iyada oo ka hadlaysa shaqada saldhigyadaasi waxa ay caddaysay in aan wax weerar ah lagaga qaadayn dalal kale, gaar ahaana dalka Ciraaq.

Saldhiga ay ciidamada Faransiisku ku leeyihiin dalka Djibouti ayaa ah kuwa ugu weyn qaaradda Afriak, iyada oo ciidamada jooga lagu qiyaasay 2700 oo askari.

Joogitaanka ciidamada Faransiiska ee Djibouti waxa kale oo ay dalkaasi u leeyihiin ahmiyad dhaqaale, iyada oo dhaqaalaha ka soo gala lagu qiyaasay 465 malyuun oo dollar, taas oo marka lagu daro kaalmooyinka kale noqonaysa 65% miisaaniyadda dalkaasi.

Dalka Djibouti oo ku yaala goob is-taraatiiji ah waxa uu ahmiyad gaar ah yeeshay tan iyo markii ay weeraradu ka dhaceen dalka Maraykanka 11-kii September 2001, taas oo keentay in ay dalal kale keenaan ciidamo sida Jarmalka oo keenay ciidamo gaadhaya 800 oo askari.

Hawlwadeeno ka tirsan dekedda Berbera

H

argeysa (Haatuf):- Waxa dhawaan dalka ku soo laabtay wefti laba xubnood ah oo ka tirsan madaxda Dekedda Berbera, kadib markii ay ka soo qaybgaleen aqoon-korodhsi lagu qabtay caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, intii u dhaxaysay 21-25 bishii October ee dhammaatay.

 Labadaa xubnood oo kala ah Saleebaan Maxamed Ibraahim oo ah ku xigeenka Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Mahdi Xuseen Xasan oo madax ka ah hagayaasha gaadiidka Badda, waxa ay muddadii ay joogeen ka qaybqaateen aqoon-korodhsigaa oo ku saabsanaa tabobar dhinaca hawlaha Badda iyo hagista gaadiidka Badda ah, taas oo uu la socday hagaajinta maamulkka Dekedaha, iyada oo la waafajinayo habka caalamiga ah, kaas oo uu soo qabanqaabiyay ururka caalamiga ah ee hawlaha gaadiidka Badda.

Waxaa kale oo ka qaybqaatayaasha tabobarkan la siiyay ay u qaateen duruusta hab u suurtogelinaya in ay shaqaalaha kale ee dekedda siiyaan tabobar la mid ah ka ay qaateen.

Safiirka Liibiya oo booqasho ku yimid Somaliland

H

arg (Haatuf): Safiirka Liibiya u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Ciisa Raabi Cashuur ayaa maalintii shalay booqasho ku yimid Hargeysa, iyada oo booqashadiisan aanay dawladdu wax war ah ka soo saarin.

Safiirka oo aanay cid muuqata oo ka tirsan dawladda Somaliland ku soo dhoweyn markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa, waxa ka hortegay sarkaal ka tirsan hay’adda WHO oo u dhashay Liibiya. Balse weriyeyaal ka tirsan Haatuf oo markii uu safiirku yimid ku sugnaa ayay u suurtogashay inay waraysi kooban la yeeshaan, ugu horrayna waxa ay weydiiyeen safiirka socdaalkiisan uu ku yimid Somaliland, waxaanu yidhi; “Waan ku faraxsanahay inaan la kulmo saxaafadda Somaliland, aniga oo fursaddan ka faa’iidaysanayana waxaan dadka Somaliland u gudbinayaa salaan aan uga sido shacbiga walaalahood ah ee Liibiya, aad baanan ugu faraxsanahay inaan arko nidaamka iyo kala dambaynta ka jirta Somaliland.”

Safiirka oo la weydiiyay inuu faahfaahin ka bixiyo ujeedada socdaalkiisa waxa uu yidhi; “Booqashada aan ku imid Somaliland waa mid aan ku imid dalkaygii labaad oo la yaabis ma laha, muddada aan joogana waxaan la kulmi doonaa madaxweynaha iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda, anigaoo u gudbin doona salaan aan uga sido hoggaamiyaha Liibiya, Mucamar Al-Qadaafi, ahmiyadna waxaanu siinaynaa kor-u-qaadista iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac, dhinac kastaba,” ayuu yidhi Safiirku.

Ciisa Raabi oo aanay caddayn inta uu joogi doono Somaliland waxa uu deggan yahay Hotel Maansoor.

Ururada BIRSOL iyo HORMOOD oo midoobay

H

argeysa (Haatuf): Labada urur-siyaasadeed ee BIRSOL iyo HORMOOD ayaa heshiis ku gaadhay inay midoobaan, waxaana sidaa noo xaqiijiyay siyaasiga weyn ee Cumar Carte Qaalib oo aanu xalay la xidhiidhnay.

Cumar Carte waxa uu sheegay in labada urur ay la baxeen BIRSOL/HORMOOD (HADAF), sidii berigii ay midoobeen ururadii SNL iyo USP oo la baxay SNL/USP.

Warka ku saabsan inay midoobeen labada urur ee BIRSOL iyo HORMOOD waxa uu ahaa mid maalmahanba suuqa ku jiray, tallaabada ay qaadeena waxa ay tahay natiijadii ugu horaysay ee ka soo baxday baaqii Cumar Carte uu ka jeediyay Khayriyada Hargeysa Khamiistii hore oo ahaa inay ururada siyaasadda oo dhami midoobaan, lana baxaan (HADAF).

Cumar Carte oo aanu weydiinay inay tallaabadani intan ku egtahay, waxa uu sheegay inay jiraan ururo kale oo ay iyagana wadahadallo u socdaan, ayna rajaynayaan inay natiijo dhakhso ahi ka soo baxdo ururo badanina ay midoobaan.

Haddii ay tallaabadani sii socoto waxay ururada isku taga siinaysaa miisaan dhinaca siyaasadda ah oo ay guusha ku hantiyi karaan doorashooyinka soo socda.

Siminaar doorashooyinka ah oo la soo gebogebeeyay

H

arg (Haatuf): Waxa xalay lagu soo gebogebeeyay Hotelka Ming-Sing ee magaalada Hargeysa siminaar saddex maalmood u socday xubno ka tirsan ururada siyaasadda, kuna saabsanaa habka doorashooyinka, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay mac-hadka IRI ee Maraykanka oo Somaliland ka caawiya arrimaha doorashooyinka.

Xafladda xidhitaanka ee xalay waxaa ka qaybgalay Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha, C/raxmaan Maxamed Cajab, hawlwadeenada mac-hadka IRI iyo xubno ka kala tirsan ururada siyaasadda ee Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo khudbad ka jeediyay munaasibaddaasi isaga oo ka wakiil ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa u mahad-naqay mac-hadka IRI, oo soo qabanqaabiyay tabobarkan ku saabsan xagga doorashooyinka. Agaasimuhu waxa uu sheegay in tabobarkan laga bilaabay halkii ku habboonayd oo ah ururada siyaasadda ee ku tartamaya doorashooyinka, waxaanu mac-hadka IRI ka codsaday inuu sii wado tabobaradan.

Agaasimaha oo ka hadlayay doorashooyinka dalka, waxa uu sheegay in wasaaradda Arrimaha Guduhu dhexdhexaad ka noqon doonto doorashada, bayaan arrintan ku saabsan-na ay soo saarayaan, una qaybinayaan madaxda gobollada iyo degmooyinka dalka. Ugu dambayna waxa uu ka codsaday Axsaabta siyaasadda inay doorashooyinka uga qayb-qaataan sida ugu habboon.

Mr. James Viray, oo mac-hadka IRI u qaabilsan hawlaha Afrika oo isna munaasibaddaa ka hadlay ayaa sheegay inay tani ahayd fursad ay wax badan kaga ogaadeen sida ay ururada uga go’an tahay inay ku dhaqmaan dimuqraadiyadda, waxaanu ka sheekeeyay hab-dhaqanka doorashooyinka Maraykanka ee dhinaca doorashooyinka, isaga oo ammaanay sida ay dadka reer Somaliland ugu heelan yihiin dhismaha dalkooda, taas oo uu sheegay in ay tahay xil weyn oo dusha ka saaran, ugu dambayntiina waxa uu sheegay sida uu ugu faraxsan yahay muddadii gaabnayd ee uu socday tabobarku, iyo waxyaabihii laga faa’iidaystay.

Mrs. Carole Hillard, oo ka tirsan IRI, ayaa iyaduna sheegtay in tabobarkani uu muujiyay in hannaanka ku dhisan dimuqraadiyaddu uu u baahan yahay muddo dheer si uu u taabagalo. “Idinku waxaad haysaan habkii yo waddadii toosnayd, waayo kolba tallaabo ayaad qaadaysaan, kolkaa waxaan idinku boorinayaa inaydaan dib u noqon, tallaabada gaabanina waxay horseedaa mid dheer oo la qaadi doono, tubtii waad haysaane halkaa ka wada,” ayay tidhi Mrs. Carole.

Gebogebada siminaarkani waxa uu ku soo beegmay iyada oo xalay 6:00 fiidnimo ay ku ekeyd waqtigii loo qabtay inay ururada siyaasaddu ku soo gudbiyaan liiska musharaxiinta uga qaybqaadanaya doorashooyinka degaanka ee dalka, inkasta oo aanu war rasmi ahi ka soo bixin guddiga doorashooyinka, haddana waxa la sheegay inay ururada badankoodu gudbiyeen liiska musharaxiinta uga qaybqaadanaya tartanka golayaasha degaanka ee dalka, balse ma cadda ururadaasi kuwa ay yihiin iyo kuwa aan ilaa hadda gudbin liiskii looga baahnaa, laakiin waxaa la filayaa inay ilaa maanta guddiga doorashooyinku war rasmi ah oo faahfaahsan ka soo saari doonaan ururada soo gudbiyay liisaskii musharaxiinta iyo kuwa aan soo gudbin.

Kooxda kubadda kolayga ee Haatuf

H

arg (Haatuf): Kooxda kubadda kolayga ee Haatuf oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ayaa ku guulaystay koobka horyaalnimada kooxahaasi maalintii Arbacadii, kadib markii ay ciyaartii gebogebada ku kulmeen kooxda NICOS oo keensatay 40 dhibcood, halka ay kooxda Haatuf ka keensatay 42 dhibcood.

Tartanka koobkan oo ay soo qabanqaabisay shirkadda Caymiska ee NICOS oo socday intii u dhaxaysay 22-30 October, waxa ka qaybqaatay 8 kooxood oo kooxaha heerka labaad (B) ee kubadda kolayga ah.

Tabobaraha kooxahan Maxamed Cali (Callo), ayaa sheegay in ay kooxahani soo qaateen tabobar 8 bilood ah oo ay ka qaybqaateen 40 wiil oo ka kala socday dhammaan kooxaha.

Waa in ciidan gaar ah loo sameeyaa la dagaalanka Khamriga iyo xashiishadda

M

ar hadii aynu dawlad nahay, isla markaana aynu dad islaam ah nahay waa inagu waajib inaynu la dagaalano mukhaadaraadka sida: Khamriga iyo Xashiishadda, laakiin waxaan ku talin lahaa in la dagaalanka Xashiishadda iyo Khamriga loo sameeyo ciidan u gaar oo ka tirsan booliska, iyadoo ciidankaa laga abuurayo degmo iyo gobol kasta oo Somaliland ka mid ah, balse ugu horayn waa in Hargeysa laga abuuraa.

Ciidankan waa in si gaar ah loogu tababaraa la dagaalanka mukhaadaraadka, sida loo qabto iyo sida loo baadhoba iyo weliba noocyada mukhaadaraadka (Khamriga & Xashiishadda) maadaama ay ka kooban yihiin noocyo badan oo kala duwan.

Mukhaadaraadkan oo si joogto ah loo soo geliyo dalka, iyadoo ay dadka soo geliyaa isugu jiraan dad wadanka u dhashay iyo dad ajnebi ah (Itoobiyaan), laakiin ciidanka booliska Somaliland waxaan odhan karaa 10% ayey gacanta qabtaan, inta kalena waxay yaalaan oo lagu iibiyaa suuqyada, taas oo aanay ciidanku isku deyin inay qabtaan mukhaadaraadka guryaha iyo suuqyada lagu iibinayo. Tusaale ahaan meelo talaabooyin tirsan u jirta qaar ka mid ah saldhigyadsa booliska Hargeysa, sida saldhigga dhexe ayaa lagu iibiyaa mukhaadaraadka. Khamriga iyo xashiishadda.

Hadaba arintaas oo dhibaato weyn dalka ku haysa waa inayd dawladdu culays weyn saartaa, isla markaana waxaan soo jeedinayaa in ciidan gaar ah loo sameeyo la dagaalanka mukhaadaraadka, ciidankaasna waa in la siiyo tababaro gaar ah oo la xidhiidhaan la dagaalanka mukhaadaraadka, sidoo kalena la siiyo mushahar ku fillan si ay u helaan firfircooni iyo mooral ay ku hawl-galaan, hadii aan sidaa la yeelina arintu xili aan fogayn waxay gaadhi doontaa meel aan hadhow laga soo qaban karin, sidaa darteed inta aanay fogaan waa in la dabaqabateeyo.

Ismaaciil C/raxmaan Cumar-Xaashi, Hargeysa.

Sheekadii Maariya Luwaysan

W

axay ahayd gabadh u dhalatay Norway, magaceedu waxa uu ahaa Maariya Luwaysan, waana Masiixiyad waxayna degan tahay magaalada Oslo ee caasimadda Norway.

Gabadhaa aabeheed waxa uu ahaa nin suxuf ah, hooyadeed-na waxay ahayd fanaanad, maariya waxay ku noolayd nolol aan akhlaaq iyo sharci lahayn, taas oo noqonaysa nolol aan wax macna ah ku fadhiyin.

Maariya markii ay yarayd waxay iswaydiin jirtey caalamka dambe iyo dabeecadda koonka, aabeheed waxa uu haystay diinta masiixiga, wuxuuse ahaa nin mul-xid ah oo inkirsan diimaha kale oo dhan, laakiin Maariya sida aabeheed yahay way ka duwanayd, mararka qaarkoodna murugo ayaa ka muuqan jirtey, waxayna ahayd qof aan aqbalin fekradda ah waxa jira saddex illaah, taas oo aanay caqligeeda iyo qalbigeeda midna rumaynin. Hase yeeshee Maariya waxay dareensanayd inuu jiraan caalam kale iyo nolol kale, nasiib darose aanay aqoon caalamka kale iyo dabeecadihiisa.

Arintu sida ay doonto ha ahaatee Maariya waxay kaniisadda tegi jirtey maalmaha fasaxa iyo munaasabadaha diinta kiristanka si ay waqtiga ugu soo lumiso. Hase yeeshee muddo ka dib waxa dareenkeeda nololeed ku dhacay isbedel, waxayna ku fekerto diinta islaamka oo aanay hore u maqal, balse gabadh saaxiibadeed ah oo iyana reer Norway ah ayaa guursatay nin nin reer Morocco ah oo muslin ah, dabadeedna waxay Maariya aragtay saaxeebadeed oo nolosheedii isbedel weyni ku dhacay, sida shakhsiyadeedii, afkaarteedii, dabeecadeheedii iyo dhinac kasta oo nolosheeda ka mid ah, isla markaana Maariya waxa u muuqatay nolol bisil oo ku dhisan xaqiiq iyo ruuxiyad adag iyo hogaan nololeed oo wanaagsan. Sidaa darteed Maariya Luwaysan waxay gaadhay xili kala-guur ah, kaas oo ah xiligii u dhexeeyey markii ay islaamtay iyo nolosheedii islaam-nimada ka hor oo ay taqaanay nolol aan ujeedo iyo macno lahayn.

Maariya saaxiibadeed uma ay sheegin inay islaamayso, laakiin waxay bilowday socdaal ay ku dersayso islaamka iyo nuxurkiisa, iyadoo ay saaxeebadeedii uu ninka reer Morocco guursaday siisay kitaab uu qoray Abu Aclaa Al-mowduudi, dabadeedna Maariya waxay aad u akhrisatay qisadii ay ku islaamtay gabadh la odhan jirey Maryton, waxayna qisadaa ka heshay naxariis iyo kal-gacayl, isla markaana waxay ka halkaa ka dareentay nolol aan mugdi ku jirin (Saafi) oo uu dareenkeedu ku qancay, sidaa ayeyna ku islaantay.

Hadaba walaalayaal murtida iyo nuxurka sheekadan waxaynu ka dheehan karnaa inaanu jirin dhaqan nololeed aan ahayn ka diinta islaamka, hadii ay jirtona aanay ahayn nolol leh macaan iyo deganaansho, isla markaana qofka indheer garadka ahi sida, Maariya oo kale waa qofka aan ku habsaamin nolol ku dhisan khiyaal iyo mala-awaal aan raad lahayn oo Illaahay agtiisa kaa fogeeya. Laakiin diinta islaamku waa dhaqan nololeed ee ma aha magaca oo keliya, nasiib-na waxa nolosha u helay inta maanta islaamka ah ee Illaahay garansiiyey xaqiiqda. Hase yeeshee waxa nasiib daro ah inay maanta da’yarteenii ku hawlan yihiin oo ay aad u xiisaynayaan dhaqamo faasid ah oo waafaqsan dhaqamo diimo kale ama aan diinba waafaqsanayn, taas oo aanay fahamsanayn inay yihiin dadkii lagu dayanayey ee tusaalaha wanaagsan u noqon lahaa mujtamacooda.

Ugu dambayn waxaan guud ahaan saaxiibadayda muslinka ah, gaar ahaan kuwa reer Somaliland kula talinayaa  qoddobadan:
1-Ha ka raadinina mustaqbalkiina meel madow oo Illaahay caayey.

2- Quruxdiina ha u qaadanina mid qof kale huwan yahay, qalbigana ku hayso qiimaha aad Illaahay agtiisa ku leedahay, hana qaderin gaal iyo nin aan diin lahayn.

Axmed Aadan Raage, Hargeysa.

Madaxweyne Rayaale ha loo jadiidiyo

Waxa mudooyinkan dambe la saadaalinayaa inay dhacayaan doorashooyin la xidhiidha madaxtinimada dalka, sidaa darteed marka hore waanu soo dhowaynaynaa doorashada, waana wax loo baahan yahay in la suurta geliyo, iyadoo uu caalamka oo dhami ina soo eegayo bal sida aynu wax u qabanayno, waxaana Illaahay ka rajaynaynaa inay si fiican inoogu dhacdo, isla markaana wixii doorashooyinka ku saabsan ee dawladda xageeda ku xidhan waxaanu rajaynaynaa inay si fiican oo aan hagrasho lahayn isaga xil-saarto, taas oo aanu madaxweynaha Somaliland ka filayno inuu hawshaa fulinteeda si fiican u hanto.

Ta kale madaxweynaha waxaanu si sharaf iyo maamuus leh ugu bogaadinaynaa sidii sharafta lahayd ee uu wax qabadka uga sameeyey dalka mudadii yarayd, sida: Xurguftii yarayd ee inaga dhexaysay inaga iyo Jabuuti oo oo uu xaadhay,  isu keenistii salaadiintii siyaasadda ku kala qaybsanayd ee Somaliland,  wax ka qabashadii dawladaha hoose, wax ka qabashadii maxkamadaha iyo weftigii uu u diray Laas-caanood iyo waxyaalo kale.

Hadaba iyadoo uu dalkeenu caydi yahay maanta, qarbabo kalena aynaan u baahnayn waxay anaga nala tahay inuu dadkeenu siyaasadda u bislaado, lana helo maskaxo cusub iyo dad karti leh oo hogaanka dalka qabta, siina wada. Sidaa darteed waxay anaga noogu muuqataa, isla markaana aanu ku talinaynaa in muddo dambe hogaanka dalka loo jadiidiyo madaxweyne Rayaale ama isaga codka la siiyo, ummaduna ay eegto danteeda iyo xasiloonideeda, madaxweyne Rayaalena waxaanu u rajaynaynaa  inuu sii kordhiyo dedaalkiisa isaga oo tix-gelinaya kalsoonida balaadhan ee ay siisay ummadda reer Somaliland.

Xasan Daahir Axmed, Salaxley iyo

 Axmed Muxumed Aw-Cabdi (Bal-weeye), Balligubadle.

Gudoomiyaha ururka ILAYS

H

argeysa (Haatuf): Wefti uu horkacayo gudoomiyaha urur-siyaasadeedka ILAYS-ka Somaliland Ibraahin Ducaale ayaa shalay ka soo degay madaarka Hargeysa, iyaga oo weftigaasi ka soo kicitimay dalka Britain(UK), waxaana si weyn u soo dhoweeyey masuuliyiinta iyo taageeraayaasha ururkooda, iyadoo ay gudoomiyaha ururka ILAYS-ka socdaalkiisa ku weheliyeen 5 xubnood oo kale, waxayna ujeedada socdaalkoodu la xidhiidha sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen ololaha siyaasadeed ee loogu diyaar garoobayo doorashooyinka dawladaha hoose ee loo cayimay 15-ka bisha Oktoobar.

Gudoomiyaha ururka ILAYS oo saxaafadda ugu waramay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkooda, wuxuuna yidhi “Waxaanu u soo socdaalay sidii aanu uga qayb geli lahayn doorashooyinka wadanka ka dhacaya, anaga oo haddana u socona inaanu gudo galo hawlihii xisbiga”, laakiin gudoomiyaha ILAYS mar waydiiyey in hawsha ay hadda bilaabayaan tahay mid habsan ah oo ay ka goor dambe socdaan, waxa uu ku jawaabay “Anagu koleyba debedda ayaanu u badnayn, laakiin iminka ayaanu bilaabaynaa guluf olole ah oo aanu wixii na dhaafay ka daba tegaynaa, inkasta oo ay jiraan meelo badan oo ay u baxeen xubno xisbiga ka tirsani, hadana iminka ayaanu si xawli ah wax u bilaabaynaa”.

Sidoo kale waxa gudoomiyaha ILAYS la waydiiyey warar sheegayey inuu xisbigoodu la midoobay xisbiga HORMOOD waxa uu yidhi “Waxba kama jiraan midowgaa”, wuxuuna intaa ku daray in maadaama uu nidaamka xisbiyada badani dalka ku cusub yahay ay koleyba iska jiri karaan turun-turooyin iyo daalaa dhac. “Way dhici kartaa inay cidi ka baxdo ururkayaga oo ay gasho mid ka mid ah ururada kale”. Laakiin gudoomiyaha ILAYS waxa hadana la waydiiyey bal inuu xisbigiisu diyaar u yahay inuu la midoobo xisbi kale, wuxuuna yidhi “Anaga xisbigayagu waxa uu u samaysan yahay qaab aanay xisbiyada kale u samaysnayn, taas oo aanay siyaasadiisu marnaba ogolayn inuu ku biiro xisbi kale, sidaana waxaanu u yeelay inuu dalka ka bedelo wixii hore uga jirey oo uu gaadhsiiyo marxalad ka duwan ta uu maanta ku jiro”.

Waxa kale oo gudoomiyaha ururka ILAYS la waydiiyey su’aal ahayd inaanu ururkooda ka muuqan nin waayo-arag siyaasadda ku ah oo ay soo sharaxaan, laakiin su’aashaa kaga jawaabay “Waynu naqaan dadkii hore ee siyaasadda ku soo jirey waxa ay yihiin, anaguna waxaanu doorashada ku gelaynaa wax qabadkayaga oo aanu dadka u muujino, waayo u malayn maayo inay dadku dooran doonaan magacyo iyo hebelo”.

Ololaha ururada siyaasadda oo jaho-wareer ku riday reer Gebilay

G

ebilay (Haatuf): dad-weynaha ku dhaqan degmada Gebilay ayaa ololaha xaamiga ah iyo hirdanka ururada siyaasadda kala kulmay jiho-wareer siyaasadeed, taas oo ay dhakofaar ka qaadeen ololaha iyo wax kala jiidashada ururada siyaasadda, waxayna taasi ka dambaysay gulufyo aan nasasho lahayn oo ay ururada siyaasaddu labadii bilood ee la soo dhaafay si is-dabajoog ah ugu galaabixiyeen degaamada Gebilay iyo weliba Allaybaday oo hore uga tirsanaan jirtey degmada Gebilay, laakiin hadda ah degmo cusub, doorashadase hoos imanaysa Gebilay.

Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay Maxamed xasan ayaa war-bixin nooga soo diray sida ay dhaqdhaqaaqyada iyo ololaayasha siyaasadeed ee ururada siyaasaddu u saameeyeen dareenka iyo xaaladaha dadka reer Gebilay iyo weliba dhacdooyinkii u dambeeyey ee dhinaca siyaasadda, waana tan war-bixintii.

“Laga soo bilaabo bishii hore ee Ogost ilaa bisha Sabtembar waxa degaamada Gebilay si isdaba joog ah ugu soo qul-qulayey wufuud ka kala socday ururada siyaasadda iyo xukuumadda, kuwaas oo isu daba marayey degmada Gebilay, waxaana ururada sida weyn ugu hirdamay ka mid ah UDUB< KULMIYE iyo UCID, iyadoo uu ururka HORMOOD oo isna degaankaa xafiisyo ku lihi sheegay inuu hadda qaadayo olole weyn oo siyaasadeed.

Wufuudda ururada siyaasadda iyo dawladdaba waxa inta badan horkacaya xubno u dhalasho ahaan ka soo jeeda degaamada Gebilay, waxayna qolo waliba kulamo guud iyo gaar gaar ahba la yeelanaysay odayaasha iyo hogaamiyayaasha kala duwan ee bulshada reer Gebilay.

Ururka UDUB ayaa 21-kii Oktoobar degaamadaa ka bilaabay hawl-gal uu ku xulayo xubnaha musharaxiinta golaha degaanka uga tartami doona degaamadaa, taas oo uu musharax kastaa keenayo ilaa 60 qof oo taageerayaal ah, dadkaasna magacyadooda la gelinayey diiwaan yaal xafiiska UDUB ee Gebilay, wuxuuna qof kasta oo musharax ahi bixinayey 320,000 Sh.Sl. Laakiin bilowgii xulista xubnaha musharaxiinta UDUB waxa uu abuuray loollan xoog leh oo ay isku riixayaan xubnaha UDUB ee sharaxani, taas oo uu xataa ficiltanku hoos u gaadhayey mararka qaarkood xintan qabiil. Laakiin musharaxiinta qaar baa soo gud-biyey ilaa magacyo ay tiradoodu gaadhayso ilaa 8 kun oo qof, waxayna ragga is sharaxay makarafoono ku xidheen baabuur, kuwaas oo ay ku wareegayey magaalooyinka iyo degsiimooyinka kaleba, isla markaana waxa meelo badan laga tumayey ciyaaro hidde iyo dhaqan ah.

Laga soo bilaabo tan iyo maalintii uu siyaasiga Cumar Carte Qaalib fagaaraha khayriyadda Hargeysa kaga dhawaaqay inuu ku biiray, iskana sharaxayo ururka BIRSOL waxa degmada Gebilay laga dareemayey inay taasi ku yeelatay saamayn ka duwan intii uu hore ugu lahaa ururka BIRSOL, taas oo ay dad badani hadal hayaan Cumar Carte.

Xafiiska BIRSOL ee Gebilay mar booqday waxa ku xoonsanaa dad badan . “Waa siyaasi ruug cadaa ah oo buuxin kara kaalintii Ina Cigaal, waa ninkii yidhi ciidamad faqashtu ha isu dhiibeen SNM” iyo ereyo kale ayey ku hadaaqayeen dadkii aan kula kulmay xafiiska BIRSOL ee Gebilay. Sidoo kale ninka madaxda ka ah xafiiska HORMOOD ee Gebilay, Ibraahin Axmed Xasan (Sangal) ayaa ii sheegay inay isaga iyo taageerayaashiisuba ku biireen ururka BIRSOL. Hase yeeshee ururka KULMIYE ayaa isna ka mid ah ururada saamaynta ku leh ama taageerada ka haysta degaamada Gebilay iyo Allaybaday.

Ololaha isdaba jooga ah ee ay ururada siyaasaddu ku galaabixiyeen degmada Gebilay waxay keentay inay dadku iswaydiiyaan su’aalo ay ka mid yihiin “UDUB imisa ayey ina siinayaan, KULMIYE imisa ayuu ina siinayaa, UCID imisa ayey ina siinayaan IWM”. Sidoo kale waxa uu ololaha siyaasadeed ee ururadu keenay inuu jilib waliba gooni isu tiriyo oo uu iswaydiiyo sedka uu meesha ku yeelanayo iyo in la suuradiyo inta iyo kuwa ay yihiin beelaha degaanka Gebilay ku abtirsadaa

Ardaayada ku abtirsada degaamada Gebilay inkasta oo ay tiro ahaan kala badan yihiin, hadana inta ay doonto tiradiisu ha ahaatee Ardaa waliba sedkiisa ayuu doonayaa. “Beesha Cabdalla Abokor UDUB waxa laga siiyey saddex xubnood, wayna diiday”sidaa waxa yidhi niman odayaal ah oo ka mid ah oo ka mid ah odayaasha degaamadaa. “Beesha Ugaadhyahan iyo beesha Gabooyaha UDUB lagama qayb gelin musharaxiinta UDUB”ayey odayaashu intaa ku dareen. Dhinaca kalena maalintii shalay waxa magaalada Gebilay ka dhacay mudaharaad lagaga cabanayo ururka UDUB, mudaharaadkaa oo ay soo abaabuleen hogaamiyayaasha mid ka mid ah Ardaayada ku dhaqan degaamada Gebilay. “Hadii aanu nahay beesha Akishe waxaanu si weyn uga soo horjeednaa go’aankii uu ururka UDUB ku aasayey xuquuqda beesha Akishe, waxaanuna taageersanahay BIRSOL”, weedhahaas iyo kuwa kaleba waxay ku qornaayeen boodhadh ay siteen dadka mudaharaadayey, iyaga oo socod ku maray wadooyinka magaalada Gebilay, waxayna ugu dambayn socodkooda ku tageen xafiiska ururka BIRSOL. “500 oo beerood ayaanu ku leenahay degaanka Gebilay, markaasaa hadana nala yidhi kuma jirtaan degaanka”sidaa waxa tidhi Kawsar Sh. Maxamed oo ka mid ahayd dadkii mudaharaadayey. Sidoo kale Rashiid Aw-Muxumed oo ka mid ahaa mudaharaadayaasha isna yidhi “1960-kii beesha Akishe waxa laga doortay C/raxmaan Sh. Cumar, 1964-kiina waxa degmada laga doortay Cali Mawliid, markaa miyaa la odhan karaa degaan ma tihidin”. Laakiin xafiil-tanku meel walb wuu gaadhay oo xataa waxa muran ka taagan yahay ninka madaxda ka noqonaya xafiiska BIRSOL ee Gebilay, iyadoo ay laba qolo isku haystaan hebel ka dhig iyo hebel ka dhig.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaala ahi marka la isu wada geeyo xubnaha ay dawladaha hoose u soo sharaxayaan 8 urur-siyaasadeed waxay tiradoodu gaadhaysaa ilaa 168 xubnood oo safka hore ah iyo 168 xubnood oo sugayaal ah, taas oo marka la isu geeyo noqonaysa 236 xubnood, iyadoo ay tirada kuraasta lagu tartamayaa tahay 21keliya, taas oo macneheedu yahay in tirada 236-ka ah looga baahan yahay 21 qof oo keliya, sidaa darteed 215-ka kale daadka ayaa qaadi doona.

Dhinaca kalena xafiiska guddiga doorashooyinka degmada Gebilay ayaa markii u horaysay doraad laga furay magaalada Gebilay, iyadoo gelinkii dambe shalay la filayey inay ururada siyaasaddu liiskooda musharaxiinta u gud-biyaa xafiiska guddiga doorashada, laakiin maamulka dawladda hoose ee Gebilay ayaa iyaguna dhinacooda soo saaray qoraal ay ku dal-banayaan inaanu xafiiska guddiga doorashadu ismicin qof kasta oo ka mid ah musharaxiinta ururada siyaasadda ee aan iska bixin lacagta cashuurta ah ee laga qaadayo qof kasta oo isu soo sharaxay golaha degaanka, iyadoo qof walba laga qaadayo 320,000 Sh.Sl. Arintaasna waxa durba ka cawdeen qaar ka mid ah ururada siyaasaddu.

Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeen, laakiin ilaa hadda si sugan looma qiimayn karo cidda ay guusha kama dambaysta ahi raaci doonto iyo sida ay xaaladdu ku dambayn doonto”.

Ururka ASAD iyo Berbera

B

erbera (Haatuf): wefti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha urur-siyaasadeedka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal) ayaa Arbacadii doraad socdaal ku tegay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, waxaana weftigaas oo ay ka dhex-muuqdeen mudanayaal baarlamaanka ah iyo xubno kale oo magac leh oo degaamada Saaxil u dhashay waxa si weyn u soo dhoweeyey taageerayaashooda iyo dadweyne kale.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera, C/raxmaan X. Daahir weftiga ASAD intii aanay soo gelin magaalada waxay soo mareen qabuuraha uu ku aasanyahay madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, marxuum: Maxamed Ibraahin Cigaal. Laakiin weftigaas oo maalinimadii Arbacadii ilaa habeenimadii khamiistu soo gelaysay dhaqdhaqaaqooda si weyn looga dareemay waxay weftiga ASAD habeenimadii khamiistu soo galaysay dadweynaha reer Berbera kala hadleen fagaaraha 26-ka Juun, waxaana halkaa ka hadlay rag aanay  reer Saaxil hore muuqooda ugu arag fagaarayaasha khud-badaha, sida Ibraahi-dhegaweyne oo fagaaraha ka jeediyey khud-bad uu ku nuux-nuuxsaday. Sidoo kale waxa fagaarahaa ka hadlay rag mudanayaal ah oo hore loogu ogaa UDUB xag jirta, taas oo dad badan lama filaan ku noqotay markii ay fagaarahaa kaga dhawaaqeen inay ka mid yihiin ururka ASAD, iyadoo ay ragaa qaarkood tafaasiil ka bixiyeen sababta ay mawqifkoodii hore u bedeleen. Hase yeeshee ugu horayn fagaaraha waxa khudbadihii fagaaraha bilaabay badhasaab-xigeenka Saaxil, Maxamed Xasan Baashe, isaga oo badhasaab-xigeenku halkaa ka jeediyey hadal soo dhowayn ah. Laakiin xubnaha weftiga ASAD waxa ugu horayn cod-baahiya lagu soo dhoweeyey Maxamuud C/raxmaan Biyoole, wuxuuna Maxamuud tafaasiil ka bixiyey ujeedooyinkii loo aasaasay ururkooda iyo barnaamijkiisa siyaasadeed, isaga oo sheegay in mabaadi’ida ururkoodu ay ku salaysan tahay midnimo ummadeed iyo wada tashi.

Mudane Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha reer Saaxil kaga jira baarlamaanka ayaa isna ka mid ahaa xubnaha ururka ASAD ee fagaarahaa ka hadlay.

Mudane Siciid Cilmi Rooble waxa uu hore uga tirsanaan jiray ururka dawladda ee UDUB, isla markaana waxa lagu tiring jirey muxaafidka xag jira, taas oo ay waqtiyada qaarkood mudane Siciid iyo ragiisa aad u kala fogaayeen ururka ASAD oo mar ahaa mucaaradka ugu fog ee dawladda ku kacsan. Sidaa darteed mudane Siciid Cilmi Rooble markii uu ururka ASAD ka dhex-muuqday waxay dad badan ku noqotay arin aanay filayn, laakiin mudane Siciid laftigiisu isaga oo dareensan inay dad badani iswaydiinayaan sababta iyo goorta uu ASAD ku biiray ayuu ugu horayn hadal uu ka jeediyey fagaaraha 26-ka Juun ku if-tiimiyey sababta uu mawqifkiisa u bedelay, wuxuuna yidhi “Waxa laga yaabaa inay dad badan oo caawa madashan ku sugani iswaydiinayaan waar ninkii Siciid ee aynu ogayn tolow maxaa ku kelifay inuu ASAD ku biiro”, laakiin wuxuu intaa ku daray “Anigu waxaan ahay mudane ka soo jeeda degaankan (Saaxil), isla markaana waxaan ka mid ahaa ragga ay aadka u kala fogaayeen xisbiga ASAD oo aan hadda ku biiray, sidoo kale intii aanu abuurmin xisbiga UDUB waxaan ka mid ahaa xil-dhibaanada aadka ugu dhodhowaa dawladda, laakiin xeradii aan shanta sannadood ee aan ku digo jebiyey ee aan albaabkeeda iyo daaqadeedaba bartay ayaan jecelahay inaan idiin sheego waxa iga kaxeeyey, waxa iga kaxeeyey wixii aan UDUB ka waayey ayaan ASAD ka helay”. Laakiin mudane Siciid Cilmi Rooble isaga oo sharaxaya waxa uu UDUB ka waayey, ASAD-na ka helay wuxuu yidhi “Markii la ansixiyey xeerka asxaabta ururka UDUB waxa sameeyey Alla haw naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahin Cigaal, taas oo uu doonayey inuu dhiiri geliyo asxaabta oo uu qaranku u guuro hanaanka xisbiyada badan, laakiin taladii iyo siyaasaddii uu ururkaasi lahaa rag baa hadda dhexda ku martay , taasna waxa uu marageedu yahay, anigu waxaan ka mid ahaa dhawr iyo soddon qof oo oday iyo aqoonyahan-ba leh oo degaanka Berbera ah, waxaanu kormeer ku nimi gobolka Saaxil, waxaanuna ku soo talo galay inaanu dadka gobolka Saaxil oo dhan UDUB ka dhigno, ka dibna  waxaanu qabanay hawl badan, waxaanu diiwaan gelinay musharaxiintii UDUB oo aanu liiskooda gudbinay, laakiin dadkii musharaxiinta ahaa ee aanu ugu talo galay inay degaanka metelaan meel alaale meel la mariyey war kama hayno, markii aanu xoghayaha guud ee UDUB iyo guddiga fulinta waydiinayna waxba naloo sheegi waayey, dabadeedna markii aan arkay dadka aan xilka u hayo inaanan xisbigaa ku aamini karin aayahooda iyo mustaqbalkooda ayaan axsaabta kale u sahan tegay, aniga oo eegay shuruucda iyo barnaamijyada u degsan. Ka dibna waxaan talo ku gaadhay in aniga iyo inta aan wakiilka ka ahay ee aanu talo wadaagga nahay inaan ASAD ku biiro, iyadoo uu ururka ASAD yahay mid wax qabadkiisa iyo taladiisaba la wada leeyahay ama loo siman yahay, mana aha urur lacag lagu aasaasay ama cid qudhi leedahay”.

Ragga kale ee halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Muj: Cismaan Awrliqe oo ka mid ah ururka ASAD, waxaana hadaladii uu halkaa ka yidhi ka mid ahaa “Waxay noqonaysa ayaan daro inay iskaga kiin qal-damaan cidda aad taladiina ku aaminaysaan iyo cidda aydaan ku aaminayn, waana inuu hoosta idiinka calaamadsanaado ka aayihiina iyo taladiina ku aaminaysaan”, wuxuuna Cismaan Awr-liqe aad uga sheekeeyey sooyaalkii taariikheed ee ururka ASAD iyo weliba halgankii dheeraa ee loo soo maray dalka, isaga oo dadka uga digay inay iska hubsadaan xisbiyada u tartamaya talada dalka inay qabtaan.

Ibraahin C/laahi Xuseen oo ah gudoomiyaha golaha dhexe ee ururka ASAD ayaa isna ka mid ahaa raggii ka hadlay fagaaraha 26-ka Juun. “Ururka ASAD ma aha ururr qof iska leeyahay ama hanti ummadeed lagu aasaasay ee waa urur min Saylac ilaa Tukaraq ay cid waliba ku jirto oo ay u dhan tahay bulshada reer Somaliland, taladiisana ummadda ayaa iska leh”, laakiin Ibraahin Dhegeweyne isaga oo ka hadlaya dacaayadaha xun-xun ee ururkooda laga faafiyo wuxuu yidhi “Hadii laydinku yidhi ururka ASAD dagaal iyo xumaan buu wadaa taasi waa been, nabadgelyada iyo dalkana xil aan cidna ka saarnayn baa naga saaran”, wuxuuna intaa ku daray  “Qoryihii Berbera yaalay anigaa dawladda ku wareejiyey, qori sifo sharci ah ku imana inuu Berbera yimaado raali kama nihin ee taa ogaada, anaguna waxaanu rabnaa dal ay taladiisa iyo dhaqaalihiisa ay dadku leeyihiin”. “Cashuurta Berbera ka soo baxda waa inaan urur siyaasiya la gelin ama cid lagu laaluushin ee waa in laga fuudh yeelaa nolosha dadka sida laydhka iyo biyaha, waar maxaa dekeddii Berbera xidhay ee neefka Dacar-budhuq jooga Boosaaso geeyey, waar madaarkii Berbera xidhay ee sigaarka looga soo rogaa madaarka Garoowe”ayuu yidhi Ibraahin dhegaweyne isaga oo carrabka ku adkaynaya dhaliilaha maamul iyo siyaasadeed ee dalka ka jira. Hase yeeshee Ibraahin Dhegaweyne waxa kale oo uu khudbadiisii fagaaraha ku soo qaaday gudoomiyaha ururkooda, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), isaga oo sheegay in dadka reer Saaxil tafsiir qaldan laga siiyey gudoomiyahooda, wuxuuna yidhi “Halkan waxa caawa nala fadhiya gudoomiyaha xisbiga ASAD Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay dadka siyaasadda kula loolamayaa qalad badan idiin geliyeen, laakiin ma jiro wax nacayb iyo xumaan ah oo uu hayaa dadka degaankan”.

Ugu dambayna gudoomiyaha ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa halkaa hadal kooban ka jeediyey, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Ururka anigu gudoon baan ku leeyahay ee taladiisa waxa leh ragga ku jira, ururka samayntiisana waa loo dhamaa”, laakiin Saleebaan wuxuu intaa ku daray “Madaxweynihii geeriyooday mucaarad waan ku ahaa, laakiin muu jirin nacayb shakhsiya oo aan u hayey ee keliya waxaanu kala feker iyo aragti duwanayn maamulka iyo hogaaminta dalka, sidaa darteed colaad aan isaga iyo dadka degaanka midna u hayey”.

Taliyihii guud iyo taliyihii qaybta 31aad oo xilka laga qaaday

H

argeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xilkii taliyenimo ka qaaday taliyihii ciidanka Qaranka Somaliland, Xasan Yoonis Habane, waxaana ciidanka qaranka loo magacaabay taliye cusub oo ah C/semed X. C/laahi diiriye. Sidoo kale waxa isna xilka laga qaaday taliyihii qaybta 31aad ee ciidanka Qaranka, Aadan Axmed Mooge (Kenedi) oo fadhigeedu yahay Hargeysa , sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdi Idiris Ducaale.  Laakiin taliyihii hore ee ciidanka Qaranka Xasan yoonis waxa laga dhigay inuu noqon doono ninka madaxweynaha kala taliya arimaha ciidanka, jagadaas oo uu hore u hayn jirey ninka hadda laga taliyaha cusub ee ciidanka Qaranka C/semed X. C/laahi.Hase yeeshee taliyihii qaybta 31aad ee xilka laga qaaday wax xil ah looma dhiibin, waxaase war-saxaafadeedka lagu xusay inuu ka mid ahaan doono wax loogu yeedhay Xil-sugayaasha taliska ciidanka Qaranka.

Warku ma sheegin sababta keentay xil ka qaadista labadan sarkaal, hase yeeshee waxa uu madaxweynuhu wareegtadiisa xil ka qaadista ku amray inay saraakiishaasi si niyad sami ah xilka ula kala wareegaan

Xasan yoonis Habane waa markii saddexaad ee laga qaado jagada taliyaha ciidanka Qaranka tan iyo markii lagu dhawaaqay madax banaanida Somaliland, taas oo uu madaxweynihii geeriyooday xasan yoonis laba goor marba ka qaaday, hadana ku celiyey jagadan. Dhinaca kalena taliyaha cusub ee hadda loo magacaabay ciidanka Qaranka, C/semed X. C/laahi waxa uu noqonayaa ninkii shanaad ee dumaala jagada taliyaha ciidanka Qaranka, waxayna kala yihiin ragga jagadaa iska dhaxlay: Xasan Cali Abokor oo ah ninkii u horeeyey ee uu madaxweynihii geeriyooday markii lagu soo doortay sannadkii 1993-kii Boorame u magacaabay jagadan, laakiin Xasan Cali Abokor waxa sannadkii 1996-kii jagadaa ka bedelay Cismaan Cawed xaashi (Cismaan Dacas), jagadaas oo uu Cismaan hayey muddo sannad ka yar waxa isna kala wareegay xasan Yoonis, sidoo kale waxa Xasan yoonis isna jagadaa ka dumaalay Ismaaciil Shaqale, laakiin mar kale ayuu Xasan yoonis mar kale ku soo noqday jagadaa, isaga oo xilka ka tirsaday Ismaaciil Shaqale. 

Labadii beelood ee colaaddu dhextaalay oo heshiis laga dhex riday

L

aas-caanood (Haatuf): Waan-waantii nabadeed ee laga dhex-waday Labada beelood ee Fiqishini iyo reer Cilmi oo ka mid ah beelaha degaanka gobolka Sool oo ay in muddo ah colaadi ka dhex-oognayd ayaa shalay heshiis kama dambays ah laga dhex riday, ka dib markii ay in muddo xal u helidda mushkiladooda ku jireen guddi isku dhaf ah oo ka kooban weftiga reer Somaliland ee hadda ku sugan Laas-caanood iyo xubno reer Sool ahi, waxaana adduunka la kala xukumay ka mid ah inku dhow ilaa lix boqol oo geel ah oo mag ah, waxayna colaadda xalka laga gaadhay ahayd tii ugu xumayd ee indhowaale dhexmarta beelaha reer Sool.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf, liibaan Maaweel Shire xaflad weyn oo lagu qabtay magaalada Laascaanood ayaa hogaamiyayaasha labadaa beelood looga yeedhiyey go’aamadii kama dambaysta ahaa ee lagu soo afjaray colaadda labadaa beelood, iyadoo halkaa laga akhriyey ilaa 8 qoddob oo uu ka kooban yahay boonka labadaa beelood la dhex dhigay, waxaana munaasibadaa ka soo qayb galay dhammaan garaadada reer Sool iyo xubnaha weftiga reer Somaliland ee socdaalka hawleed ku jooga gobolka Sool.

Guddiga u garqaadayey labadaa beelood oo ka koobnaa ilaa 17 xubnood waxa gudoomiye ka ahaa Xaaji Cabdi-waraabe oo ka mid ah weftiga, gudoomiye-xigeenna waxa ka ahaa Maxamuud X. Cumar Camey, sidoo kale guddiga xoghaye ka ahaa Maxamed Ismaaciil Bulaale, sidaa darteed Maxamed Ismaaciil Bulaale ayaa ugu horayn munaasibadaa ka akhriyey go’aamadii guddigu ka soo gaadheen gar-qaadka, laakiin intaa ka dib waxa halkaa ka hadlay laba xubnood oo u kala hadlay labada beelood, kuwaas oo madashii ka cadeeyey inay qaateen go’aamada la soo hor keenay. “Anagu hadii aanu nahay beesha reer Cilmi waanu qaadanay go’aamada guddiga, diyaarna waxaanu u nahay inaanun fulino, isla markaana waanu u mahad naqaynaa cid kale oo iska xilsaartay hawshan” sidaa waxa yidhi Khadar Cali Jaamac oo u hadlay beesha reer Cilmi. Laakiin sidoo kale waxa isna beesha Fiqishin halkaa uga hadlay Xasan Aw-Ismaaciil, wuxuuna yidhi “Waanu qaadanay go’aanka ay soo saareen guddiga dhexdhexaadintu, waanuna u mahad naqaynaa cid kasta oo iska xil saartay hawshan”. Hase yeeshee labada af-hayeen ee u kala hadlay labada beelood waxay labaduba dawladda Somaliland ka codsadeen inay gacan ka siiso hantida badan ee lagu kala xukumay oo ay sheegeen inay ku tahay culays aad u weyn.

“Dhulbahante iyo cid kasta oo danaynaysaa nabadda waxa waajib ah inay geshigaa bixintiisa ka qayb qaataan”sidaa waxa yidhi Gaarad C/qani garaad Jaaamac. Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay garaad Saleebaan garaad Maxamed oo isna ka mid ah garaadada reer Sool, waxayna garaadada reer Sool u mahad naqeen guddiga dhexdhexaadinta, gaar ahaan weftiga reer Somaliland ee socdaalka ku jooga gobolka Sool.

Madashaa waxa lagula kala wareegay baabuur MarkII ah iyo 3 qori oo laga haystay beesha Fiqishini iyo hal qori oo laga haystay beesha reer Cilmi, taas oo ah qoddobka koowaad ee boonka loo kala dhigay labada beelood, isla markaana gashiga lagu kala xukumay muddo ayaa loo qabtay in lagu kala gurto, iyadoo jifiyaha lagu kala xukumay inay labada qoloba ku bixiyaan muddo laba bilood gudahood ah.

Xusuus: qoddobada go’aanka la soco cadadka dambe ………

Kacaankii dhergiga

Jenaral NO.3:

W

axay khasab noqotay inay ciimadu dhexjoogaan dad ay cadaawad xumi ka muuqato, waxayse iswaydiintu tahay hadii aanu dhulku ku caawinayn ama hadii aanu shicibku ku soo dhowayn oo aad dagaal ku jirto sidee baad u guulaysan karaysaa.

Habkii ay ciidamada jabhadii Shacbiya (Ereteriya) u dagaalami jireen waxa uu ahaa habka kudhufo oo ka dhaqaaq (Gorrilla War), laakiin ciidamada Itoobiya waxay toodu ahayd weerar uu loo dhamaystirayo habkii dagaalka, balse wax fudud may ahayn in la raadsado dagaalyahan dhuumaalaysanaya oo inta uu wax ku yeelo hadana buuraha kaa gelaya, sidoo kale wax fudud uma ahayn ciidanka Itoobiya inuu guul gaadho isaga ka dhex dagaalamaya dhul aanay aqoon oo ay ka yacsuman yihiin iyo dad shicib ah oo cadaawad u haya.

Waxa kale oo iyana arin adag ahayd in lala dagaalamo daayeero inta ay meel aanad arkayn kuu fuulaan, ka dibna sida ay doonaan rasaasta roobka kaaga dhigaya, iyadoo aad moodo in rasaasta ay kula dhacayaan aanay wax dhibaato ahba ku hayn sidaana ay kugu laynayaan.

Qaar ka mid ah ciidamada oo mar walba la kulmi jirey xaaladaas oo kale ayaa mararka qaarkood soo jeedin jirey in arinta xal nabadeed lagu soo dabaalo; laakiin kuwa sidaa yeela waxa lagu abaal marin jirey ciqaab, sidaa darteed habkii uu Mingistu wax u maamulayey haba yaraatee may dhici karayn inaad ka soo horjeesataa, isla markaana iska inaad si cad uga soo horjeesato ee xataa siyaasaddii gurucnayd ee meesha madhan ahayd may dhici karayn inaad ka fekerto oo aad wax rayi ah ka dhiibato, hadii aad isku daydo inaad rayi dhiibatana ilkaha ayaa lagugu cunayey.

Run ahaantii khibradihii lagu dabakhi lahaa dhibaatooyinkii goobaha dagaalka ka jire waa la qaadan waayey, isla markaana amar kasta waxa laga soo diri jirey xagga sare, laakiin lama qaadan jirin talada laguma darsan jirin xaaladaha iyo duruufaha ka jira goobta dagaalka, sidaa darteed anagu waanu khasbanayn amar kasta oo nala siiyo, laakiin iyadoo ay xaaladdu sidaa tahay hadii nalaga guulaysto saraakiishayadii goobaha dagaalka qoorta ayaa naloo dheerayn jirey. Tusaale ahaan maalin nalagaga guulaystay meel la yidhaahdo Indisiilase waxa nalaga toogtay saraakiil badan.

Marka la eego qaabka uu u dhisnaa ciidanku waxa uu ahaa mid aad u liita, sidaa darteed halkii ay ahayd inay noqdaan kuwa xooggan oo isku duuban si ay cadawgooda dhirbaaxo adag ugu dhuftaan waxay had ioy goor ahaayeen kuwo kala daadsan oo aan isku xidhnayn, mararka qaarkoodna amaro lid ku ah xaaladda dagaal ayaa ciidanka la siin jirey. Tusaale ahaan meelo ay shalay oo kale dagaalo ku qabsadeen ayaa maanta kale oo la odhan jirey ka soo baxa, iyadoo aan wax sabab ah loo sheegin. Sidoo kale marka aan ka hadlayo nidaam la’aanta iyo kala daadsanaanta ciidamada waxaan maalin maalmaha ka mid ah xusuustaa wixii ka dhacay furinta dagaalka ee meesha la yidhaahdo Indaliisa, halkaas oo ay ciidamadii ka dagaalamayey jiidaha  Ereteriya iyo Tigree inta ay iskaashadeen ay guul balaadhan gaadheen. Waxa kale oo jirtey mar ay ciidamo ku go’doonsanaa dhulka Ereteriya, isla markaana waxa jirtey guuto fadhiday meel la yidhaahdo Shire, dabadeedna jabhadda Shacbiya marka ay weerar qaadaanba Janaral Tastaafaye ayaa guutada 10aad oo fadhiday dhulka Tigreega geeyey Musawac, ciidankaasina waxa uu ahaa mid had iyo goor baneeya jidka isku xidha Ereteriya iyo tigreega, sidaa darteed ciidamadii joogay meesha la yidhaahdo Shire wixii ay u baahdaan jidkaa ayaa loo soo marin jirey, laakiin Janaral Tastafaaye meeshii waa laga raray, taasina waxay keentay in ciidankii fadhiyey meesha la yidhaahdo Shire waxb la gaadhsiin kari waayo, isla markaana waxay taasi sababtay inay ciidamadii jabhadda shacbiya aad u xoogaystaan ilaa ay heleen awood ay ku qaybsadaan saldhigii ciidamadayada ee Shire

la soco cadadka dambe.

Sheeko

G

oohe Guuleed ayay warqad wada jir ah u direen Luul iyo hooyadeed Quman iyagoo uga waramay wixii ku soo kordhay reerkii waxa kaloo ka mid ahaa warka waraaqda loogu qoray in Bashiir wardheere ninkii ka qayb qaatay soo dayntiisu uu doonayo inuu guursado Luul Sidaasna waxay  warqada ku sheegeen  labadii is dhalay (Quman iyo Luul) in arrintaasna ay dhawaan fulinayso, laakiin Goohe Guuleed jawaab uu soo diray wuxuu ku soo horjoogsaday in la siiyo Bashiir inantiisa Luul, waxaanu  yidhi  “anigu kugula talin maayo  inaad  ninkaas la  sheegayo guursato, laakiin haddaad ku guursanayso  talo adiga kuu gaara ah waxba kama qabo” Luul may dhayalsan talada aabeheed, waxaa isna tu  taa la mid ah u soo jeediyay Abiib Goohe walaalkeed oo isagu  dhinac kale arrinta ka abaaray oo uu sheegay  in Luul aanay cimrigeeda boobin ee ay ka fiirsato mustaqbalka nolosheeda, Bashiir wardheere, meeshaba muu soo dhigan diidmo laga horkeena, sababtoo ah, arrintu way u  dhadhaweyd oo wuxuu   ka ahaa dhinaca Quman iyo Luul nin ku leh ixtiraam, laakiin waxaa ku dhacday Bashiir maah  maah soomaalidu tidhi “kas dumar oo kadaloob rag kaaga dambeeyay kii aad ogayd maaha”  Bashiir markii iyadoo Luul og go’aanka  aabaheed ay u yara carab laalaadisay  Bashiir ayay  kama dambaystii runta farta ka saaray in aanay suurta gal ahayn qorsaha Bashiir, waxaana loo qaadimay sidaa iyo barasho wanaagsan Bashiirow

Bashiir wardheere wuxuu u qaatay go’aanka ay ku diiday Luul in uu yahay xumaan aan geedna loogu soo gaban oo ay kula kacday Luul, Bashiir wuu ogaa in odaygii goohe ee uu soo daayay aanu joogin Hargeysa oo uu talaabay dhinaca Itoobiya,  habeen kale ayaanu Bashiir ku soo noqday Luul isagoo  waano iyo digniin isugu daray in ay ka noqoto go’aankeeda Luul way fahmi wayday waxa arrin haa iyo  maya ku xidhan keenay digniinta iyo arrimahan,  uu ku dhaqmay Bashiir, si ay u  qanciso Luul Bashiir, waxay ku tidhi “habeen dambe ii kaalay waxaase dhacday markuu balanta Bashiir u qaatay iyo soo noqotay in aan markuu  yimid gurigii reer goohe albaabkiisa aan laga furin iyadoo laydhadhkana la bakhtiiyay sidii guri xili hore laga seexday, Bashiirse wuu yaqaanay in aan guriga reer goohe xiligaa laga seexan jirin, oo muddo ayuu iman jiray, Bashiir arrintaasi xanaaq iyo quudhsi ayaa ula muuqatay wuxuu bilaabay in uu  qaado talaabadii uu kaga aargoosan lahaa Luul, taasoo  uu dhigay Luul inay tahay qofka talaabiyay  goohe oo aabeheed ah maadaama ay ahayd  mid ka mid ah labadii qof ee dacwoonayay sii deyntiisa, waqti badan kumay qaadan in uu  Bashiir soo farsameeyo qaabkii loo qaban lahaa Luul waxaana subaxii dambe guriga ugu yimid gaadhi  iyo askar waana la Xidhay Luul, Quman sugaal oo isku dayday in ay arrintaa dhex gasho kumay guulaysan in ay inanteeda Luul ka reebto askartii waday.

Luul nolol wanaagsan aroosyo iyo xarago nololeed way soo aragtay laakiin maanta waxay  ku  jirtaa meel aad u fool xun iyo maqsin cidhiidhiya oo leh albaab bir ah waxaana  qaali ah qofka isku beegaya halka ay  dabayshu ka soo galayso hadal iyo hugun toona ma leh Luul way yaabka yaabkii arrinteedu  dhaaftay,  waxayse sii quusatay  markii intii maxkamada lagu shubay  iyagoo  13 haweena la maqashiiyay Luul inta la akhriyay denbi aanay  garanayn lagu dhawaaqay in lagu xukumay labaatan sanadood waxaana loo qaaday  iyado iyo  toddoba haweena oo kale  dhinaca jeelka weyn ee mandheera, Quman iyadu waxay ku tuntuunsatay haynta labdii carruur ah ee ay dhashay Luul, aad iyo aad ayay maskaxdeedu u shaqaynaysay waxaana ay  isweydiinaysaa tolow xaggee lagaa raacay, yaa ku habaaray, maxaad gashay ee lagaa goynayaa yaa kuu wanaagsanaa ee aad xumaysay, marka ugu dambaysana waxay  Luul is tustaa in laga raacay   mayadii ay  tidhi arrintii Bashiir, Luul taa iskuma qoomamayso iyadoo rumaysan in  haddii caqliga  Bashiir sidan yahay ay ku saxsanayd go’aankii ay gaadhay.

Marar  qaarkood ee ay Luul si fiican u dareento  darxumada jeelka ayay tidhaahdaa jedaba haka iman lahaydaa allow dab iyo col ma soo doontay Maxaa isoo watay, haddana markay  aragto  tirada badan ee dad rag iyo dumarba leh oo ku xidhan jeelka mandheera  ayay isugu caqli celisaa intaasoo qof ayaad wax la qabtaa ee ha calool jilicsanaan

Abiib Goohe  markii uu helay in aabihii mar la Xidhay oo dirqi ku soo samato baxay haddana ay Luul xidhantahay ayaa waxaa ku soo dhacday in ay ku xigto hooyadii Quman sugaal, ayaa xidhan, sidaa daraadeedna wuxuu ku taliyay inay Quman iyo labadii inan ee Luul ay dhashay  deg deg uga soo baxaan Hargeysa  oo ay  dhinaca Itoobiya u talaabaan degaana magaalada diridhaba maca aabihii Goohe Guuleed oo isagu hore u soo talaabay, Quman ka hagaagi weyday Luul, danina way u run sheegtay aakhirkii waxay ku dhaqaaqday taladii Abiib Goohe waxaanay u tagtay odaygeedii Goohe Guuleed iyadoo  wadata labadii carruur ee ay ayeeyda u ahayd.

Intii aanay Amuun cabdalle u ambabixin jabuuti oo ay u sii dhoofaysay maraykan ayay mar ugu tagtay jeelka mandheera, Luul umay  helin fursad gaara oo ay Amuun si gaar ugula hadasho Luul waxaana markii ay  siinaysay lacag ay  hooyadeed ugu soo dhiibtay hareeraha ka taagnaa (2) laba ka mid ah askarta haweenka ah ee ka shaqeeya jeelka mandheera, runti  Amuun waxay   hayn kari wayday ilmo iyo  oohin markay aragtay duruufta  ay ku sugantahay  saaxiibadeed Luul,  hase yeeshee Amuun  oohintaasi waxay  lumisay  hadaladii  dhexmari lahaa iyada iyo Luul, waxa qudha ee ay  haleeshayna wuxuu   noqday inay gacanta ka galiso lacagtii ay  hooyadeed ugu soo dhiibtay Luul intii  aanay  Quman  lafteedu ka ambabaxin Hargeysa.

Amuun  markii ay  Hargeysa ku soo noqotay  waxaa ku soo ururay asaxaabtii ay  siyaalaha kala duwan iskugu xidhnaayeen Luul iyo Amuun, markii ay ka warantay  Amuun sida ay ku soo aragtay saaxiibadeed ayay iska sii warysteen Amuun iyo hablihii kale sida degdega ah ee ay Luul u kaalin gashay iyo Carruurta ay hadda hooyada u tahay iyadoo  da’deedu ay aad u  yartahay ugu  dambayntii Amuun cabdalle waxay  sababaysay in mushkilada saaxiibadeed ku habsatay ay ka timid dhinaca quruxda eebe u dhaliyay oo keentay  inay noqoto xidig ay  raggu  ku maanqaadmaan markay arkaan geba gebadii waxay  Amuun tidhi “quruxdeeda Luul  sababtay qalalaasaha nolosheeda”  dhamaad.

Arday ka qalin jabisay machadka Sh. Madar

H

argeysa (Haatuf): Xaflad ballaadhan oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyay  82 arday oo  ka qalin jabisay mac-hadka sh. Madar  oo ka mid ah dugsiyada  gaarka ah ee Hargeysa ayaa shalay lagu qabtay hoolka shirarka ee jaamacada Hargeysa taasoo ay ka qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada, maamulka mac-hadkaasi, waalidiinta ardayda iyo marti sharaf kale oo badan waxa laga soo jeediyay  khudbado kala duwan.

Maamulaha mac-hadka sh. Madar farxaan cumar Jaamac oo hadalka jeediyay munaasibadaasi ayaa ka warbixiyay marxaladihii uu mac-hadkaasi soo maray iyo heerka uu maanta taaganyahay waxaanu sheegay  in mac-hadka la aasaasay  1993kii ardayda haatan  ka  qalin jabisayna ay  yihiin difcadii 9aad mac-hadkuna uu  door weyn ka qaato kobcinta Waxbarashada.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka xuseen Cabdi aw qaalib oo  isna xafladaa ka hadlay ayaa ka waramay Waxbarashada iyo qiimaha ay leedahay  isaga oo  oo ku dardaaray in ay ardaydu dedaalkoodaasi sii labanlaabaan.

Sh. Ismaaciil Cabdi hure ayaa isaguna ardayda kala hadlay ahmiyada uu cilmigu leeyahay iyo qiimaha uu leeyahay qofka waxbartaa. Ugu  dambayna waxa halkaasi shahaadooyin iyo abaal marin lagu gudoonsiiyay  ardayda qalin jabisay.

 

Shirkada Daallo Airlines oo Shalay Bilowday  Khad Cusub Oo Ah Hargeysa London (Boing 757)

H

argeysa (Haatuf): Diyaarad ay leedahay  shirkada diyaarada ee Daallo Airlines ayaa shalay  abaaro  10:00 subaxnimo soo caga dhigatay Madaarka magaalada Hargeysa diyaaradaas oo ka timid magaalada London ee carriga Ingiriiska iyadoo ay tahay khad cusub oo ay  bilowday shirkada Daallo Airlines diyaaradaas oo ka soo kacday magaalada London 7:00 fiidnimo ee xalay habeenkii khamiistii soo galaysay  iyadoo saacad ku hakatay magaalada Paris oo ay rakaab ka soo qaadaysay.  Diyaaradaas oo lagu qiyaasay  in ay  u soo socotay 8 saacadood min London ilaa jibouti.  Diyaaradaas oo nooceedu yahay  Boeing 757. diyaaradaas oo London iyo  Paris ka soo qaaday rakaab dhan 185 qof waxa magaalada Hargeysa maanta ka soo degay 129 qof oo ka yimid London iyo Paris oo jibouti lagaga soo wareejiyay  diyaarad Iluushan ah iyadoo aanay diyaarada  Boeing-tu soo fadhiisan karin Hargeysa awooda Madaarka Hargeysa oo aan qaadi karin awgeed. Dadkaa 129-ka qof ah 69 waxay ku dageen  magaalada Hargeysa inta kalena gobolada kale ee Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkada Daallo Airlines  waxa ay  rakaabka ay siday  shalay  ku soo qaaday   qiime 50%  ah  tigidhka (go & back)  oo  ah 390$ (saddex boqol iyo sagaashan dollar).

Dhinaca kale waxay shalay  Madaarka Hargeysa (VIP) ku qabatay  xaflad shirkada Daallo Airlines xafladaasi oo si fiican loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen xubno ay ka mid yihiin  Aadam X. Jirde Aw Cali maayar   ku xigeenka 2aad ee Hargeysa iyo maamulka shirkada STC, iyo saxaafada Somaliland. Intaa ka dib saddex xubnood oo ka tirsan maamulka shirkada Daallo Airlines ayaa tafaasiil gaaban ka  bixiyay ujeedada xafladan iyo diyaarada Daallo Airlines.

Waxaana furey  xafladaa Xasan oo ka mid ah maamulka Hargeysa. Waxaa kale oo isna ka hadlay axmed ilka case oo ka mid ah shaqaalaha Dubia waxa uu sheegay in diyaaradu ka soo kacday magaalada London Madaarka la  yidhaahdo Gateway oo ay London Jibouti u  soo socotay  8  saacadood dadkii ahaa  Hargeysa London ay ku soo gaadheen  ugu badnaan  10  saacadood isagoo sheegay axmed in diyaaradu tahay noocii casriga ah ee imika adduunka laga isticmaalo. Waxa kale oo ka hadlay maayor xigeenka labaad ee Hargeysa  Mr. Aaden X. jirde Aw cali isagoo ku hadlaya magaca maayarka Hargeysa  waxa uu yidhi “waxaa farxad noo ah gaadiidka iyo horumarka ay soo kordhisay shirkada Daallo Airlines maanta oo ay  tahay fligh-kii u horeeyay ee gate way  airport  London via Paris via Djibouti, via Hargeysa taasi oo dadkii nabad  qab ku yimaadeen  taasi oo ah wax ilaahay  loogu mahad  naqo waxa isna halkaa ku soo gunaanaday xafladii  Gudoomiyaha  Daallo ee Hargeysa  Muniir X,  C/laahi  Abusite oo ugu horeyn u mahad celiyay  dadkii ka soo qayb galay  gaar ahaan Wasaarada gaadiidka  cirka JSL iyo saxaafada Somaliland waxa kale oo uu sheegay inay maanta Daallo Airlines gaadhay himiladoodii ay  higsanayeen mid ka mid ah iyadoo uu  taa ku tilmaamay flight-ka cusub ee Hargeysa London.

Haddaba shirkada Daallo Airlines oo lagu aasaasay  diyaarad yar oo Jesno ah sanadkii 1992-kii waxa haddana u shaqeeya ilaa Toban diyaaradood oo u kala goosha dacalada dunida iyadoo ay  haatan safka hore kaga jirto shirkadaha diyaaradaha ee ugu firfircoon qaarada Afrika xarunta Daallo Airlines waxay ku taallaa magaalada Djibouti. Shirkada oo ku leh  laamo fulineedyo magaalada Dubai (UAE) Hargeisa (Somaliland), iyadoo xafiiska Hargeisa ka mid yahay   xafiisyada ugu muhiimsan ee shirkada u adeega sidoo kale waxay     xafiisyo ku leedahay Jeddah, Nairobi, Addis Ababa, Asmara, Aden, Mugadisho, iyo meelo kale oo ka mid ah Somaliland iyo Soomaaliya.

Daallo waxay isticmaashaa hab casri ah  oo tigidhada lagu  booking garaysto meel kasta oo aad adduunka joogtid, waxaanay  heshiis iskaashi la leedahay  shirkadaha duulimaadyada sida Saudi Airways, Emirates, Ethiopian Airlines, Sri’lankan,  iyo Das air. Waxa shirkada Daallo Airlines ka shaqeeya shaqaale dhan ilaa boqol qof shirkada Daallo waxa kale oo ay samaysaa kirooyinka diyaaradaha ingaydh, Charter iyadoo ka kiraysa diyaaradaha weftiyada iyo iyadoo xidhiidh (charter) la leedahay   UN-ka  sida WFP Redcross,  imikana u samaynaysa qaybta charter-ka xafiis u gooniya oo u madax banaan oo lagu kireeyo   diyaaradaha.