Haatuf News

 

Issue: 200                   Date: November 11, 2002

 

 

 

 

 

Sheeko

R

uun Saddexle markii ay fuushay gaadhigii u amba-baxayay degaanka miyi ee uu deggan yahay walaalkeed Gaas oo ku yaala gudaha dalka Itoobiya, gobolka loo yaqaanay (Reserve Area) ayay Ruun aad uga fikirtay intii aanu gaadhigu dhaqaaqin dhawr arrimood oo tan hore tahay ninka doonaya Bilan hadda ma uu u soo geed-fadhiisan Bilan, oo arrin cad lamuu hor iman reer Gaas ee arrintu waa mid la iska ogaaday iyada oo aan la isa soo hor-fadhiisan. Ruun way taqaan walaalkeed oo waa nin aan si fudud looga gar helin, waxay Ruun meesha soo dhigatay in walaalkeed uu yidhaahdo; “Yaan siiyaa inanta ee I weydiistay.” Dhinaca kale Ruun, waxay aad uga fikirtay in walaalkeed Gaas aanay ka dhaadhicin Karin sababta ay Bilan ula doonayso Baxnaan iyo inuu weydiin doono su’aalo badan oo ay ka mid yihiin; miyaad hore u taqaanay? Reerkooda aqoon ma u leedahay? Haddaad taqaanay muddo intee le’eg ayaad taqaanay? Jabad ma la degtay? Jadiin ma la cuntay? Jid ma la martay?

Ruun weydiimahaa ay is weydiisay waxay ku keeneen inay gaadho go’aan ay dib ugaga tashanayso safarkii ay ugu kicitimaysay reerkooda deggan miyiga, gaar ahaan walaalkeed Gaas Saddexle, waxaanay goosatay in ay raashinkii iyo alaabtii ay siday ay ku ballamiso gaadhigii oo ay tidhaa noolkii raashinku waa kaa ee u gee Gaas Saddexle.

Ruun intii ay ka soo socotay istaankii Baabuurta u baxda Howda Hargeysa, waxay ku fikirtay in ay baadi-goobto Baxnaan, marka ay heshana ay tidhaa; haddii aad Bilan doonayso hayntaadu waxay doonto ha ahaatee u soo geed-fadhiiso. Ruun arrintaa waxaa ka caawiyay markii ay u xog-warantay nin ay qaraabo yihiin oo la yidhaa Geedi Golroone oo ahaa dilaal xoolaha ka dilaala sayladda Hargeysa. Geedi muddo dheer ayuu ahaa dilaal u iibiya xoolaha dadka reer miyiga ah. Muddada dheer wuxuu aqoon u yeeshay dad tiro badan, taasaana u sahashay in markiiba uu helo sidas loo heli karo Baxnaan Baashe.

Ruun dhaqan ahaan ayay uga baydhay inay aanay iyadu noqon qofka arrintaa kala xaajoonaya Baxnaan, waxaanay arrintaa inuu ka soo dhalaalo ku gunaysay Geedi Galroone oo ahaa af-tahan bulshaawi ah oo aan cidna ka qaloon.

Geedi arrintii wuxuu ugu dhigay si macaan markii uu la kulmay Baxnaan, waxaanu yidhi; “Baxnaan waxaanu kaa sugaynaa inaad inantii Bilan nooga soo geed-fadhiisato, ee arrintaadu ma xagga hees-ciyaareedkuunbay ahayd.”

Baxnaan aad ayay isu yaqaanaan Geedi, in badan ayaanu Geedi u iibiyay xoolo uu sayladda keenay Baxnaan, markaa aqoontaa hore ee ay isu lahaayeen ayaa keentay in aanu Baxnaan la waaban aragtida uu arrintaa ka qabo, waxaanu yidhi; “Geed-fadhiisigu waa gedeenii dhaqan ee aynu weligeenba hablaha ku kala guursan jirnay, laakiin waxaan is idhi xoolaha reer Baashe malaha geed-fadhiisiga iyo arrmaha ka dambeeya ee Bilan kuma filna, markaa arrintaas kama madhni, laakiin waqtigeeda ayaan la sugayaa.”

Geedi si uu u dhiirigeliyo Baxnaan wuxuu ku yidhi; “Waar reer Saddexle waa reer dun wanaagsan ee xaga xoolaha uun ha ka xisaabtamin, waxaana la yidhi Geesi Ilaahay ma xilo ee arrinta hore u gal, barbaartiina intaa way idin waraysanayaan, markii ay maqleen heesaha aad isu tiriseen adiga iyo Bilan, waxaanay leeyihiin ma is guursadeen.”

Baxnaan hadaladaa dambe ee Geedi Golroone wuxuu u arkay nasteex, waxaanu yidhi; “Waar Geedi, bal horta iiga warran Bilan, waxaa la igu yidhi ededeed ayay magaaldan la joogtaa ee ma iska caafimaad qabtaa.”

Geedi ayaa ugu jawaabay; “Anigaa guriga inantaa ina-Saddexle ee Ruun u hurdo-taga, oo halkaas ayay Bilan joogtaa, maalintii dhaweyd ee aad damaashaadkii 26-june ka heesaysayna way ku dhegaysanaysay oo Raadyowgay kaala socotay.”

Baxnaan sheekadaa dambe ee Geedi ayuu aad raali uga noqday, waxaanu u dalbay shaah Geedi. Baxnaan si uu u dareensiiyo in uu wax ka ogyahay arrimaha reer Gaas wuxuu yidhi; “Sanadkii yaradka laga keenay inanta ka weyn Bilan ee Dhudi ayaanu isku reer ahayn reer Gaas, markaa lixdan halaad oo yarad ah ayaa laga keenay, anaga Geelayaga reer Baashe oo dhamina waa 25 halaad, markaa Geedi bal xagaa ka eeg arrinta aad I ledahay soo dedeji.”

Geedi oo ka dheregsan waxa jira ayaa yidhi; “Waar Baxnaanow xoolaha yahuunta qofka ayaa ka wanaagsan, markaa aniga waxay ila tahay in aan arrimuhu sidaa isugu xidhnayn.”

Geedi isaga oo tusaalaynaya Baxnaan ayuu yidhi; “Xaaskayga hooyadeed waxaa waagii la guursaday yaradkii laga bixiyay ahaa 100 halaad, qori iyo baar-qabkii oo dheeraa, inanteedan shanta carruura ii lehna, halna kamaan bixin, xumaana ma aha ee waa haynta, sidaas ayaanay noogu duceeyaan, markaa Dhudi ayaa 60 halaad oo yarad ah laga bixiyay maaha arrin ee adigu Baxnaanow yuhuuntii la kaalay.” Waayahay iyo waa sidaa ayay sheekadii Baxaan iyo Geedi Galroone ku soo gebogebowday.

Baxnaan waxaa gashay yididiilo, waxaanu goostay inuu ku noqdo reerkoodii, si ay aabihii Baashe uga wadatashadaan sidii uu arrinta Bilan-Baxnaan u geli lahaa. Baxnaan Baashe waa nin aad ugu adag xoolaha, waxaanu og yahay Baxnaan inaanay uga suurtogalayn inuu ka bixiyo yarad, wuxuuse ku tashaday in yaradku ha joogee marka hore uu ku qanciyo aabihii u geed-fadhiisiga Bilan.

Ruun waxay u sheegtay inantay ededa u tahay in Baxnaan u geed-fadhiisan doono Bilan, arrintan oo keentay inay niyadu u degto.

Bilan waxay aragtay ina-abtideed Salma oo warqad qoranaysa, waxaanay tidhi; “Ina’abti, haddii aan baran lahaa sida wax loo qoro sow warqadaha maan qorteen.”

Salma ayaa tusaalaysay Bilan in haddaba ay waxbaran karto Bilan, haddii ay u diyaar tahay, maalmo ayaanay Salmi guriga wax ugu dhigtay, kadibna waxay geysay waxbarashada dadban ee dadka waaweyn.

Bilan waxay ku fikiraysaa haddii ay wax qori garanayso inay waraaqo u diri lahayd Baxnaan, waraaqahaas oo ay ku kala bogan lahaayeen. Bilan kama xishooto in ay ereyada loo soo dhigo weydiiso Salma oo ay tidhaa taasi maxay ahayd. Salmi way ku bogaadisay Bilan sida ay ugu dhiirantahay in ay waxbarato iyo sida ay u hayso dariiqa dhiirigeliya aqoon-korodhsiga ee ah su’aal iyo jawaab. Bilan waxay ag-fadhiisataa Salma marka ay wax akhrisanayso, waxaanay dareentaa sida ay u kala duwan yihiin nolosha hablaha ku nool magaalooyinka iyo kuwa ku nool dhulka miyiga ah. Bilan waxay rumaysan tahay in aan hablaha magaaladu aanay qaban hawlo ad-adag sida ka jirta miyiga.

La soco……………

 

Kooxaha kubadda cagta ee ingiriiska

Kooxaha kubadda cagta ee Ingiriiska iyo xidhiidhada ka hawlgala ciyaarha kubadda cagta ee Ingiriiska ayaa abaabulaya sidii ay si sharciga waafaqsan ugu daadifayn lahaayeen sharci ay hay’adda FIFA u dejisayla kala wareega ciyaartoyga oo loo yaqaan (Transfer Window System), xeerkaas oo fasaxaya in lala kala wareegi karo ciyaartoyga caalamiga ah ee u ciyaara naadiyada kubadda cagta oo laba xilli loo qorsheeyay, kalana ah; bisha January iyo xilliga kale oo ah inta u dhaxaysa May ilaa 31 August, xeerkan oo la dhaqangeliyay March.

Naadiyada kubadda cagta ee Ingiriiska, xidhiidhka mihiinadda kubadda cagta (Professional Footballers Association [PFA]), xidhiidhka kubadda cagta ee FA, tartanka horyaalka iyo koobka kubadda cagta, dhammaan qabanqaabiyeyaashooda Ingiriisku waxay rumaysan yihiin in xeerkaas lagu koobo ciyaartoyga caalamiga ah ee u kala wareegaya naadiyada laba dal, laakiin aan lagu isticmaalin ciyaartoyga u kala wareegaya laba naadi oo isku dal ah.

Guddoomiyaha PFA, Gordon Taylor, ayaa sheegay in ay ka hortegi doonaan xeerka FIFA ee aan xadaysnayn ee ku saabsan lakala wareega ciyaartoyga.

Warar ayaa sheegaya in horeba ay dhibaato dhaqaale ula soo deristay naadiyada kubadda cagta oo ay kaga timid dhinaca TV-yada, lacagta aadka u badan ee ay ku bixiyeen mushaharka ciyaartoyga iyo xeerkan ay hadda dooda ka keeneen ee Window Transfer System.

Naadiyada kubadda ayuu xeerkan FIFA ka qaadayaa awoodii ay ku iibin jireen ciyaartoyga u ciyaara ee ay kaga iibin jireen naadi kale, xilligaa go’an ee loo fasaxay marka laga reebo.

 

Dhalashada Nabi Muxammad (SCW)

N

abi Muxammad SCW wuxuu dhashay subax isniin ah, oo bisha Rabiicul Awal ay tahay 12, lana mid ahayd 20 Agosto 570 ee sanadka miilaadiga. Sanadkaas wuxuu ahaa Caamul fiil ama sandkii maroodiga. Wali tan iyo maanta, dadka Makkah deggan way booqdaan meeshii uu ku dhashay SCW. Waxaa kaleetoo la yiri wuxuu dhashay SCW 9 bisha Rabiicul Awal ee ku beegan bisha apriile ee sanadka 571. Allaana u cilmi leh.

Barta uu ku dhashay waxay ku taal meesha hadda la yiraahdo Suuqullayl, ama suuqa habeenkii, xerada kaddib loo bixiyay "Xerada Muxammad bin Yuusuf Al Thaqafi": xero waa tiro guryo ah oo hal dayr wadaaga, taasoo afka carabiga Daar lagu yiraahdo.Muxammad Yuusuf Al Thaqafi wuxuu la dhashay ninkii caanka ahaa ee magaciisu ahaa Al Xajjaaj bin Yuusuf. Muxammad bin Yuusuf ayaa gurigii Nabiga SCW uu ku dhashay xerada soo geliyay, kaddibna waxaa isla xeradaas ka saartay haweeney la oran jiray Al Khayzaraan Ummu Al Haadi Wal Rashiid, oo ah Khaalid iyo Rashiid hooyadood, oo gurigaas ka dhigtay masjid lagu tukado.

Xeradaas waxaa hore u lahaan jiray Caqiil bin Abii Dhaalib, Cali bin Abii Dhaalib walaalkiis, kulligood Allaha raalli ka noqdee ay, ahaayeenna Nabiga SCW ilma adeerradiis. Waxaa hooyadiis, SCW umuliso u ahayd, oo markii uu soo dhacay gacmeheeda kusoo dhacay, haweenta la oran jiray Al Shifaa, oo ahayd Cabdurraxmaan bin Cawf, Allaha raalli ka noqdee, hooyadiis. Wuxuu soo dhacay ayadoo indhihiisu SCW samada kor u dhuganayaan, labadiisa gacmoodna dhulka ayuu dhigay.

Hooyadiis waxay sheegtay inayan wax dhib ah ayna uurkiisa kala kulmin, sida haweenka kale, sida culays, jamasho oo ah wax gooni ah oo la jeclaado iyo wax kaleetaba. Markay dhashay, waxay hooyadiis cid u dirtay awoowihiis Cabdul Mudhalib, kaasoo fariintii ay gaartay asagoo Kacbada ku dawaafaya. Markaas ayuu Aamina u yimid, markaasay ku tiri: "Abal Xaarisow, waxaa kuu dhashay wiil yaab leh". Awoowihiis intuu naxay oo cabsaday, ayuu wuxuu yiri: "miyuusan qof siman oo kaamil ah ahayn?" Waxay tiri: "Haa, waa qof siman oo kaamil ah, laakiin wuxuu soo baxay asagoo sujuudsan; markaas kaddibna madaxiisii iyo laba farood ayuu kor iyo samada u qaaday." Kaddibna wiilkii ayay qolkii ka soo bixisay, oo awoowihiis u keentay. Awoowihiis, markii loo dhiibay wuu fiiriyay, kaddibna intuu qaaday ayuu Kacbada la galay. Markaas ayuu Ilaahay u weydiiyay inuu magangeliyo, kaddibna wuu u duceeyay. Kaddibna intuu Kacbada kala soo baxay, ayuu hooyadiis u celiyay. Awoowihiis ayaa Muxammad u bixiyey, waxaana Cabdul Mudhalib la weydiiyay sababta uu magacaas ugu bixiyay aan ka mid ahayn magacda awoowayaalkiis, wuxuuna ku jawaabay inuu magacaas ugu bixiyay, asagoo rajaynaya inay dadka adduunka oo dhan ay xamdiyaan oo ku mahdiyaan. Muxammad macnihiisu waxaa weeye: kii lagu xamdiyay, ee la mahdiyay.

Sanadkaas uu calool galay Rasuulkii Ilaahay SCW oo ay hooyadiis caloosha ku siday, wuxuu noqday sanad iridihii khayrku furmeen oo farax badan. Sanadkaas intii ka horreysay, Qureysh waxay ku jirtay ciriiri weyn iyo abaar. Markaas ayaa dhulkii cagaartay oo geedihii miro dhaliyeen, oo sanadkaas wuxuu noqday sanad barwaaqo.

Waxyaalihii la yaabka lahaa oo dhacay markuu dhashay SCW waxaa ka mid ahaa oo la wariyay, in uu Qasrigii Boqortooyada ee Kisraa (Waa Dalka maanta Iran la yiraahdo) uu gariiray, oo uu ruxmay, ayna ka burbureen 14 dariishadood oo kuwa irdaha leh ah (afka ingiriiskana lagu yiraahdo balcony). Burburka dariishadahaas wuxuu ishaarayey, ayaa la yiri, inayan Boqorradoodii dhiigyacabka iyo keligood taliyayaalka ahaa ee Boqortooyadaas ay ka hareen, haddii markaas laga bilaabo, 14 Boqor oo xukunka isaga dambayneysa, kaddibna taliskoodu uu dhammaan doono, oo uu go'i doono: toban Boqor waxay xukunka isaga dambeeyeen, oo wada dhinteen, muddo afar sano ah gudohooda. Afarna waxay dhinteen inta waqtigaas iyo Zamankii Khilaafada Cusmaan bin Caffaan, Allaha raalli ka noqdee, u dhexeysay, markaas oo Boqortooyadoodii ay dhammaatay.

Waxaa kaloo ka mid ahaa dhacdooyinkii ku beegmay dhalashada Nabi Muxammad SCW inay gurtay oo qallashay Badyaradii (afka ingiriiska waa lake) Dhabriyah, ee ku tiil Falastiin. Gudhiddaasu waxay ishaareysay in dadka dalkaas deggan ay la kulmi doonaan dhibaato wayn. Dhacdo kale ee sanadkaas dhacday waxay ahayd inuu damay dabkii Faaris (Waa dalka Iran hadda la yiraahdo, Kisraa-na la oran jiray) oo dhan: reer Faaris dabka ayay caabudi jireen oo ka Ilaah yeelan jireen.

Waxaa sanadkaas la badiyay Malaa'igtii samada ilaalin jirtay, waxaana lagu kordhiyay dab lagu gano shaydhaankii usoo dhowaada, si uu khabarka samada wax uga maqlo. Shayaadiintii waxaa laga reebay maqalka akhbaarta Samada, waxaana laga qaaday fariisimihii ay Samada ku lahaan jireen, oo ay kala socon jireen akhbaarta Samada. Waxaa kaleeto la sheegay inuu waqtigaas dhacay dhulgariir adduunyada oo dhan saameeyey, sida uu Al Yacquub kitaabkiisa taarikhda ku sheegay.

Waxaa la sheegay in Amiirkii Mu'miniinta oo la oran jiray Al Rashiid damcay in uu, Zamankiisii, Qasriga Kisraa dumiyo. Markaas ayaa Wasiirkiisii la oran jiray Yaxya bin Khaalid Al Barmaki, ku yiri: "Amiirkii Mu'miniintow, ha dumin dhismo Aayad iyo calamaad Islaamka ah". Maalintii toddobaad ee dhalashadiisa SCW ka soo wareegatay, waxaa awoowihiis ugu walqalay wan

La soco………..

 

Guubaabo xilliga doorashada ah

Bulshada reer Somaliland ayaa hig-sanaysa horumar iyo badhaadhe ay ku kas-badeen muddo yar, taasoo dad-badan la noqotay riyo iyo sheeko baralay, marka la yidhaahdo Somaliya waa la heshiisiin kari la'yahay oo 14 shir ayaa loo qabtay, waana kaa kii 15-aad Eldoret/Kenya ka socda, ee hadana dhanka kale dhegtu maqasho Somaliland oo gooni ula noqotay qaranimadeedii ayaa gaadhay heer loo kala tartamo ururo ku salaysan nidaamka doorashada xorta ah, waa kaaf iyo kala dheeri. Balse aan u soo noqdo dedaalka intaa le'egi halka uu ka yimi. Bulshada reer Somaliland oo soo mar-tay maraaxil adag iyo dagaallo sokeeye, waxay markasta ku riyoonayeen sidii ay u gaadhi lahaayeen nabad iyo wada noolaansho. Markasta waxa ummadda is-ku dilayey dire-diraale, aan ilaahay ka baqaynin. Hadaba rabitaanka bulshadu waa wax aan la loodin karin, waase la dhaawici karaa, taasoo dawadeedu muddo qaadato. Marar badan ayaa la dhaawacay nabadda iyo wanaaga dhexyaalla bulshada reer Soomaaliland ilaa xilligii lixdankii ilaa iyo maamulkii, keligii taliye Siyad Barre.

Intii ka danbaysay ku dhowaaqistii, dib ula soo noqoshada Somaliland , waxa dhaawacyo soo gaadheen wanaaga iyo nabadda ka dhaxaysa dadka walaalaha ah ee reer Somaliland . Markasta waxa lagaga gudbayay is-ku duubnaan iyo wadajir, taasoo ammaanteeda ay qaateen odayaasha reer Somaliland oo noqday kuwo samo ka talis ah, markii aqoonyahankii ku fashilmay hoggaaminta bulshada reer Somaliland . Hadaba maanta waxa dib hanqalka ula soo kacay aqoonyahannadii fashilmay oo leh, markale hanala tijaabiyo oo habka casriga ah aanu wax ku hoggaamino.

Habka ay doonayaan inay wax ku hoggaamiyaan waa

xisbiyada badan. Xisbiyadaasoo ku kala aroora fikrado kala duwan, bal-hadaba xisbiyada aqoonyahanka reer somaliland halkeebay ku arooraan.

A) Hantiwadaagga (casriga ah)

B) Hantigoosi

C) Dhexdhexaad

Haddaan si kale u dhigo ma xisbiyada lagu magacaabo garabka bidix iyo garabka midig ayaa Somaliland ka hirgelaya, mise Qabyaaladdii oo muusaysan ayaa magacyo kale loola baxay?. Waxaynu waayo-arag u nahay ururaddii siyaasadeed ee Somaliya soo maray kadib xorriyaddii inay beel kastaaba samaysatay magac beesha metela, waayo magaca beesha oo wax lagu doonto waxa ka habboon iyadoo la as-turo, sidaasay ku burburtay Somaliyadii hore. Maanta oo la marayo 2002-da, Waar! yaan dib loo noqon, ee xisbiyada u sameeya aasaas iyo nidaam uu ururku ka duulo oo ay ugu horayso cashuurta iyo ururinteeda iyo halka ay ku baxayso. "Cashuurtaa dal dhista"

 

GUUBAABO.

Doorashooyinkii way soo dhowaadeen, waana markii ugu horeysay ee ay dalka ka dhacdo doorasho noocan oo kale ahi, taxadar dheeraada ayay u baahan tahay, dedaal dheeraada ayay u baahan tahay, dulqaad weyni ayaa loo baahan yahay, waana hawl u taala xisbiyada oo dhan, waxayse mas'uuliyad gaar ahi saarantahay xukuumadda maanta jirta. Ururkii laga helo ee aan ku qanacsanayn habkay doorashadu u dhacday, waxaan kula talin lahaa ama ku guubaabin lahaa dulqaado, oo samir, hadalka aad hadashaa wuxuu keeni karaa burbur iyo kala daadasho, xil-baad siddaaye, ee xaynka giijiso, oo kal-danbaad heliye, walaaloow maatida hakala qubin.

Sayid M Yusuf(Dhegey)

Sweden

Isku shaandhayn golaha wasiirada

H

argeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xil ka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey 9 ka mid ah golahiisa wasiirada, waxaana sidaa shaaca ka qaaday war-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale.

Saddex ka mid ah golaha wasiirada ayaa xilka laga qaaday, waxayna kala yihiin: Wasiirkii qorshaynta Axmed Xasan Caafi, wasiirkii Dhalinyarada iyo ciyaaraha, Maxamed Faarax Maxamuud (Jaah-weyn) iyo wasiirkii cadaaladda, C/xamiid Garaad Jaamac, laakiin saddex nin oo cusub ayaa loo magacaabay saddexdaa wasaaradood, waxaana wasiirka cusub ee wasaaradda qorshaynta laga dhigay Axmed X. Daahir Cilmi, sidoo kale wasiirka cusub ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha waxa laga dhigay, Maxamuud Siciid Maxamed iyo wasaaradda cadaaladda oo loo magacaabay Axmed Xasan Cali-libaax (Casoowe).

Wasiirkii wasaaradda arimaha gudaha, C/laahi Cumar Cige ayaa isna laga bedelay jagadaa, waxaana laga dhigay wasiirka cusub ee wasaaradda Boosaha, isla markaana waxa wasaaradda arimaha gudaha wasiir looga dhigay, Ismaaciil Aadan Cismaan. Sidoo kale wasiirkuxigeenkii wasaaradda arimaha gudaha, Cabdi Cali Mahdi ayaa laga bedelay jagadii uu hore u hayey, waxaana laga dhigay wasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyadda.

 

Isbedelkan uu madaxweyne Rayaale ku sameeyey golihiisa wasiirada waxa uu noqonayaa kii ugu qarada roonaa ee uu ku sameeyo, waxaase la filayaa inuu mar kale qaado talaabo caynkaas oo kale ah.

Saddexda wasiir ee uu madaxweyne Rayaale xilalka ka qaaday waxa uu mid walba ku bedelay nin ay dhalasho ahaan isku degaan yihiin. Tusaale ahaan wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Faarax Maxamuud (Jaah-weyn) waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa degaanka Dhahar, waxaana lagu bedelay nin isna ka soo jeeda isla degaankaa, sidoo kale wasiirkii cadaaladda, C/xamiid Garaad Jaamac waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa gobolka Sool, waxaana lagu bedelay nin isna ka soo jeeda isla degaankaa oo ay weliba isku ardaa hoose yihiin iyo wasiirkii qorshaynta Axmed xasan Caafi oo ka soo jeeda gobolka Awdal waxa lagu bedelay nin isna ka soo jeeda isla degaankaa, laakiin labada wasiir ee arimaha gudaha iyo Boosaha (Ismaaciil Aadan Cismaan & C/laahi Cumar Cige) waxay labaduba dhalasho ahaan isku yihiin jilib hoose oo degaanka gobolka Hargeysa ah.

 War-saxaafadeedku tafaasiil kama bixin sababta keebtay isbedelkan cusub, hase yeeshee waxa la tuhunsan yahay inay talaabadan soo dedejisay jawiga siyaasadeed ee waqtigan xaadirka ah soo waajahday urur-siyaasadeedka uu gudoomiyaha ka yahay madaxweyne Daahir Rayaale ee UDUB, taas oo uu ururkaa hadda soo food saaray khilaaf murugsan oo siyaasadeed, ka dib markii uu xoghayaha guud ee UDUB, Cabdi Aw-Daahir toddobaad ka hor daboolka ka qaaday inuu u taagan yahay madaxweynenimada dalka, kana sharaxan yahay ururka UDUB, taasina waxay kabriid ku qabatay khilaaf huursanaa oo inmuddo ahba lagu xamanayey ururka UDUB inuu dhexyaalay.

 

Ardayda iyo baabuurta maxaa kala haysta

H

argeysa (Haatuf): Waar I sii daa anigu iskuulo baan ku socdaaye”sidaa waxa tidhi gabadh yar oo ardayayad ah oo dhigata dugsiga Sh.Bashiir ee magaalada Hargeysa, waxayna intaa ku dartay “Subax kasta dhibaatadaas ayaa na haysata, maxaa baabuurtan meesha lagala soo doonay ma meel kale ayaa loo waayey, ilayn waxa kuugu darran Kaari maalin walba faraqa ha ku haysto”. Arintaasi waxay subax walba ka taagan tahay istaan cusub ooo baabuurta ah oo ay dawladda hoose ee Hargeysa dhowaan ka samaysay meel u dhow dugsiga la yidhaahdo SH. Baraawe oo ah meel dhinaca waqooyin kaga soo jeedda isgoyska Baar Ubax, laakiin istaankaasi waxa uu ku yaal meel saddex iskuul u dhexaysa, kuwaas oo kala ah: Sh. Bashiir, SH. Baraawe iyo Madarasada C/laahi Muuse, laakiin arinta ugu darrani waxay tahay iyadoo uu istaankaasi ku yaal albaabka dugsiga SH. Baraawe, dhinaca kalena waxa uu istaankaasi ku yaal meel isgoys ah oo ay iskaga darsamaan ilaa afar wado, sidaa darteed waxaad goor walba arkaysaa baabuur gafuurka iskula jirta oo wax kala haga wayday. Hase yeeshee dhibaatooyinka ugu muhimsan ee ay baabuurtaasi dadka ku hayaan waxa ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiga Sh.Baraawe, halkaas oo ay kaariyada baabuurta karinaya qayladooda iyo sawaxankoodu daaqadaha ugu soo gelayo ardayda fasalada ku jirta. Sidoo kale waxaad subaxa iyo xiliga rawaxaadda arkaysaa gabdho arday ah oo uu nin kaari ahi lig-ligga haysto oo ay ku murmayaan baabuurkan soo fuul iyo meelna uma socda.

Waxa kale oo iyana khatarteeda leh caruurta yar yar oo iskuulada jiiddaa ku yaal oo halis u ah baabuurta meesha is baacsanaysa. Sidaa awgeed dawladda hoose waa inay dib u eegto istaanka ay ka samaysay albaabka dugsiga SH.Baraawe, iyadoo dareen naxariis leh lagu milicsanayo dhibaatada ay baabuurtaasi ku hayso ardayda wax ka barata Dugsiyada halkaa ku yaal oo ay tiradoodu gaadhaysa boqolaal arday, taas oo runtii ay dhibaato weyn ku tahay goob waxbarasho hoonka iyo guuxa baabuurta iyo weliba sawaxanka iyo qaylada kaariyada iyo dadka rakaabka ah ee hoganaya istaankaa, waana goobaha ay tahay in laga mam-nuuco sanqadh noocaas ah, sida: Cusbataalada, Dugsiyada iyo goobaha kale ee aan xamili karin qaylada noocaas ah. Laakiin waa arin daymo weyn leh suryo ay boqolaal arday ahi ka soo dareerayaan ama ka rawaxayaan in laga dhigo istaan ay baabuurtu dhinac walba u galaa-baxayaan labada gelin-ba, run ahaantiina arintaasi waa mid uu werwerkeedu si weyn ugu muuqdo dadweynaha magaalada ku dhaqan, waxayna dad badanina iswaydiinayaan, tolow goorma ayey keeni doontaa khasaare laga naxo. Ilaahay inaguma keenee, Hase yeeshee waxay u baahan tahay in laga hortago, waxna laga qabto inta ay goori goor tahay.

 

Mudaharaad ka dhacay degmada Gar-adag

G

ar-adag (Haatuf): Mudaharaad balaadhan oo ay ka qayb qaateen dadweynaha ku dhaqan degmada Gar-adag ayaa dorraad ka dhacay magaalada Gar-adag, waxaana mudaharaadkaa oo socday in muddo ah ay dadkaasi ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan isbedel lagu sameeyey xuduudaha degmadaa, taas oo ay dhowaan ku talaabsadeen saraakiil ka tirsan wasaaradda daakhiliga oo dhowaan socdaal hawleed ku tegay degaamada Ceel-Afweyn iyo Gar-adag, waxayna odayaasha degaanka Gar-adag sheegeen in 60% dhulkii degmada Gar-adag xukumi jirtey lagu wareejiyey degmooyinka kale oo kala ah: Ceel-Afweyn, Caynabo iyo Xudun.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad kala duduwan oo aanu isgaadhsiinta fooniyaha kula xidhiidhnay iyaga oo jooga magaalada Gar-adag waxay dadweynaha reer Gar-adag cabasho weyn ka muujiyeen sida loo maamulay xuduudaha degmadooda, taas oo ay ku tilmaameen iska horkeen laga shaqeeyey, iyaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay wasiirka warfaafinta xukuumadda Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo hadda socdaal hawleed ku jooga gobolka Sanaag, kaas oo ku tilmaameen inuu qayb ku leeyahay sida loo maamulay xuduudaha degmada Gar-adag.

Lix ka mid ah tuulooyinka looga talin jirey degmada Gar-adag ayaa hadda laga gooyey sida ay sheegeen odayaasha nala soo xidhiidhay, iyadoo ay weliba taa noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka degmada Gar-adag. “Sagaal tuulo oo ay degmada Gar-adag xukumi jirtey oo ay hadda maamul ahaan gacanta ku haysay oo ay cashuuraheedu yaaleen ayaa saddex keliya laga soo reebay, intii kalena la yidhi waanu ka goynay”ayey yidhaahdeen reer Gar-adag, waxayna intaa ku dareen “Tuulo 12Km u jirta Gar-adag ayaa laga gooyey, waxaana la raaciyey degmo u jirta 80KM, sida wax loo maamulayna waa si ka fog cadaaladda, waana ujeeddo siyaasadeed oo faashil ah, isla markaana waa gef oo loo geystay Jograafigii degmada”.

“Wasiir dal dumis ah dooni mayno” ayaa ka mid ahaa halku-dhegyada ay dadka mudaharaadayey ku dhawaaqayeen, waxayna golayaasha dawladda iyo madaxweynaha Somaliland ugu baaqeen inay si degdeg ah wax uga qabtaan arintaa, hadii kale waxay ka digeen inay dhibaato keeni doonto. “Iyadoo uu wasiirka warfaafintu indhowayd-ba isku dhufasho ka waday degaamada Caynaba, Ceel-Afweyn iyo Gar-adag”ayey intaa ku dareen.

Odayaasha nala soo xidhiidhay waxa ka mid ahaa: Cumar Nuur Warsame, Axmed Cilmi Maxamuud, Aadan Ciise, Cabdi Axmed, Xirsi Diiriye Cali, C/laahi Xaaji Xirsi, Khaliif Ducaale Xiirey iyo qaar kale. Sidoo kale waxaanu la xidhiidhnay xoghayaha degmada Gar-adag Nuur cashuur Cawed, waxaanuna wax ka waydiinay bal sida ay wax uga jiraan cabashada dhinaca xuduudda ee ay dadweynaha reer Gar-adag ka mudaharaadeen, taas oo uu noo xaqiijiyey in degmooyin hore uga tirsanaan jirey degmada Gar-adag la raaciyey degmooyinka hareeraha ka xiga, wuxuuna xoghayuhu sheegay in degmada Gar-adag loo soo reebay saddex tuulo oo keliya.

Sida la sheegay shirka lagu saanyey xuduudaha degmada Gar-adag waxa uu ka dhacay degmada Ceel-Afweyn, shirkaasna waxa halkaa ku yeeshay wefti agaasimayaal ah oo ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha, laakiin sida ay wararku sheegeen wasiirka warfaafinta oo dhalasho ka soo jeeda degaanka Ceel-Afweyn ayaa isna la sheegay inuu wax ku lahaa gudoonka shirkaa.

“Sagaal goobood (Tuulo) oo ay degmada leedahay oo ay cashuuruhu u yaaliin, isla markaana maamulku uga dhisan yahay ayaa lix ka mid ah la yidhi waa laga gooyey, waxaana Gar-adag lagu soo reebay saddex tuulo oo keliya”ayuu yidhi xoghayaha Gar-adag, laakiin isaga oo tilmaamaya saddexda tuulo ee lagu soo reebay Gar-adag kuwa ay yihiin wuxuu yidhi “Saddexda lagu soo reebay Gar-adag tusaale ahaan mid ka mid ah oo ah Faraguul waxay u jirtaa 20KM iyo Fadhigaab oo u jirta dhawr iyo labaatan KM, tuulooyinka laga qaadayna waxay mid ka mid ah oo ah Dhanaano waxay u jirtaa 28KM, meesha la raaciyey oo ah Caynaba waxay u jirtaa 180KM”.

 

Kacaankii dhergiga

Waa maxay aragtida ay ka qabaan dadkii

 aqoontu u lahaa Mingistu Hayle Mariam

Taliye NO:8:

T

aliyahani waxa uu hadalkiisa ku bilaabay:

“Dhamaadkii 1977-kii golaha Dhergigu waxa dalalka Qaaradda Afrika u kala diray wufuud, kuwaas oo la doonayey inay tawradda Itoobiya dalalkaa soo fahamsiiyaan, waxaana wefuuddaa kala hogaaminayey rag ka tirsan golaha Dhergiga. Hase yeeshee raggaa wufuudda hogaaminayey intooda badani kuma ay hadli karayn luuqadaha Ingiriisada iyo Faransiiska ee lagaga hadlo dalalka Afrika, sidaa darteed wufuudda waxa la socday niman turjumaano ah.

Anigu waxaana ka mid ahaa nimanka turjumaanada ah, waxaana raacay wefti qabtay dalalka galbeedku Afrika, laakiin kooxda weftiga ah ee aan raacay ka mid ahaa laba nin oo la kala odhan jirey Mulgeeta iyo Wandi Wasaana Haylu, waxayna ka tirsanaayeen golaha Dhergiga, hase yeeshee waxa weftiga hogaaminayey nin la yidhaahdo Dabala Dinsa, laakiin ninka weftiga hogaaminayey Dabala Dinsa maalintaa ayaa iigu horaysay araggiisa, laakiin intii aanu I arag ka hor ayuu warkayga sii hayey, wuxuuna hayey magacayga iyo meesha aan ka shaqeeyo iyo weliba sooyaalkayga taariikheed (Back Ground), wuxuuna ahaa nin dhaqan u leh inuu cid kasta oo la shaqaysa ogaado sooyaalkiisa taariikheed iyo inuu xataa waydiiyo qoyskiisa iyo caruurtiisa dabeecadda noocaas ahna aad baa loogu jeclaaday.

 Dabala Dinsa wuxuu ahaa nin aad u indheer garad ah oo fahamsan ama garanaya waxa uu doonayo, isla markaana waxa uu ahaa nin ay wejigiisa ka muuqato firfircooni iyo debecsanaan naxariis leh, wuxuuna ahaa nin jago sare ka haya dawladda.

Wadamada aanu tegaynay waxa ka mid ahaa Nayjeeriya, Beniin, Togo, Ruwanda iyo dalal kale, waxaanuna Sidney fariin uu noo soo dhiibay Janaraal Tafare Baande, sidaa awgeed markii aanu gaadhnay caasimadda dalka Beniin ee Kotonu oo aanu galay goor habeen ah, dabadeedna wax hawl ah maanu qaban ee nin waliba sariirtiisii huteelka ayuu seexday.

Dabala Dinsa oo idaacad dhegaysanayey ayaa yidhi “Waxaan u malaynayaa in Adis-ababa inqilaab lagu sameeyey sidaana uu Raadyowga lahaa”, laakiin markii aanu Adis-ababa ka tegaynay jawiga siyaasaddu muu wanaagsanayn, waxaana jirey warar sheegayay inuu kala qaybsan ka jiro xubnaha golaha Dhergiga dhexdooda, kala qaybsanaantaasina ay salka ku hayso loollan dhinaca kuraasta ah, balse intayada badani kamaanu dheregsanayn sida ay xaaladdu tahay, waxaanse u malaynayaa inuu Wandasan Haylu oo weftigayaga ka mid ahaa nagu dhaamay wararka ku saabsan xaaladda Adis-ababa ka jirtey iyo dareebka Dhergiga dhexdiisa ka jirtay. Hase yeeshee maalin labaaddii anaga oo doonayna inaanu la kulano madaxda Beniin, isla markaana aanu soo afjarno socdaalkayaga Beniin ayaa naloo sheegay inaanay dawladda Beniin doonayn inay na qaabisho maadaama bay yidhaahdeen aanay Itoobiya safaarad ku lahayn Kotonu (Caasimadda Beniin), dabadeedna waxaanu u tagnay safaaradda ay Nayjeeriya ku lahayd Caasimadda Beniin, waxaanuna safaaradda Nayjeeriya ka codsanay inay nala xidhiidhiso Adis-ababa, waanuna la xidhiidhnay Adis-ababa, waxaana naloo sheegay inay meesha dhibaato ka jirto.

Marka la eego weftigayagii xubno aan anigu ka mid ahay xog-ogaal uma ay ahayn arimaha iyo falgalada siyaasadeed ee meesha ka socday, sidaa darteed arimaha iyo sida ay wax u jiraan nooma ay dhaadhacsanayn ama maanu fahamsanayn sida ay wax u jiraan ama u jiri karaan. Laakiin Wandasaan ayaan ka maqlay isaga oo leh labada nin Dabala iyo Mulgeeta waxay kala taageersanaayeen Mingistu iyo Tafare Baande, taas oo uu Dabala taageersanaa Mingistu, halka uu Mulgeetana taageersanaa Tafare Baande, sidaa darteed labadooduba waxay siteen hub, taas oo aanu aragnay inuu mid walba shandadda ugu jiro qori dabalaab ah (AK47), dabadeedna waxa noo muuqday arin ama dhibaato cabsideeda leh, laakiin waxaanu ka soo duulay Beniin, waxaanuna galay Nayjeeriya, waqtigaana Nayjeeriya waxa ka jirey ciyaaraha Fasta faalka loo yaqaan, sidaa darteed Itoobiya waxay ka mid ahayd dalalka munaasibaddaa ka soo qayb galay, laakiin waanu sii dhaafnay Nayjeeriya, waxaanuna u dhoofnay Adis-ababa, dabadeedna markii aanu madaarka Booli ee Adis-ababa ka soo degnay waxa na qaabilay askar tin iyo cidhib hubaysan, intaa ka dibna hore ayaanu magaalada u galay, waxaase markiiba madaxtooyada isu raacay, basle Mulgeeta (ninkii taageersanaa Tafare) maalintaa ka dib maanu arag, waxaana lay sheegay in la dilay isaga oo is leh baxso.

Marka la diyaarinayo socdaalada muhimka ah ee uu gudoomiyaha golaha dhergigu (Madaxweynaha) ku tegayo debedaha waxa isku duba ridi jirey agaasimaha xafiiska gudoomiyaha oo ahaa Mangistu Gamaju, isaga ayaana soo xuli jirey xubnaha raacaya gudoomiyaha, laakiin madax waaxda borotokoolka ayaa diyaarin jirey hayadaha iyo dalalka uu la kulmayo gudoomiyuhu iyo weliba xidhiidho uu la sameeyo safaaradaha dalalka uu gudoomiyuhu booqanayo.

Mangistu Gamaju inkasta oo uu ahaa xidigle, hadana waxa uu ka mid ahaa golaha dhergiga, waxaana odhan karaa waxa uu ahaa saaxiib aad ugu dhaw Mingistu Xayle Mariam, isla markaana maalin qudha maan arag isaga oo diiday ama ka soo horjeestay hadalka Mingistu oo xataa ka soo diidmo iska daayoo maan arag isaga oo soo jeedinaya ra’yi ka duwan, sidaa darteed waxa loo diro isaga oo aan wax su’aal ah ka soo jeedin ayuu ku dhaqaaqi jirey oo uu qaban jirey, inta badana isaga iyo gudoomiyuhu (Mingistu) gaar ayey u wada shiri jireen, isla markaana Mangistu Gamaju isaga oo aan ogayn xafiiska Mingistu Hayle Mariam cidi may geli jirin…La soco cadadka dambe. 

 

Madaxweynaha Ruushka oo ka hadlay xaaladda Jeejiniya

M

oosko (W. Wararka): Madaxweynaha dalka Ruushka Fladamiir Buutin ayaa sheegay inuu qaadayo talaabooyin ugu haboon ee nabadgelyo laggaga aslaaxin karo Jamhuuriyadda Jeejniya. Hase yeeshee waxa uu meesha ka saaray inuu wax wada hadal ah la yeesho dagaalyahamiinta u halgamaya sidii ay Jeejniya u heli lahayd madax banaani taam ah.

Hadalkan waxa uu madaxweyne Falaadamiir Buutin ka jeediyey kulan uu shalay la yeeshay dadka u dhashay Jamhuuriyadda Jeejniya, laakiin taageersan xukuumadda Ruushka ee Falaadamiir Buutin, dadkaas oo dawladda Raashiya ku dhiiri gelinaya inay dedejiso dedaalkeeda ku wajahan soo afjaridda colaadda mudada saddexda sannadood ah ka ooggan dhulka Jeejniya.

Dadka reer Jeejniya ee taageersan xukuumadda Moosko waxa kale oo ay u soo jeediyeen xukuumadda iyo Baarlamaanka Raashiya in isbedel lagu sameeyo distoorka dalka Raashiya, iyadoo ay isbedelka distoorka ku xigi doonaan doorashooyin madax banaan oo dalkaa ka dhaca, laakiin madaxweyne Buutin ayaa baaqa Jeejniyiinta kaga jawaabay inaanu arintaa markii hore diyaar u ahayn, hase yeeshee uu hadda aqbalayo maadaama ay soo jeediyeen Jeejniyiintu. Laakiin madaxweyne Buutin waxa uu ku adkaystay inaanu wax wada hadal ah la yeelanayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Jeejniya Islaan Mus-khadoof oo uu ku tilmaamay dagaal ooge la mid ah Usama Bin Laden.

 

Dagaalo dhexmaray ciidanka Yugandha iyo koox Falaago ah

K

ambala (W.Wararka): Dawladda Yuganda ayaa shalay sheegtay inay dishay 12 ka tirsan Falaago ka soo horjeeda, ka dib markii uu habeen hore dagaal kululi dhexmaray Falaagada iyo ciidanka dawladda goob ku taal waqooyiga dalkaa, iyadoo ay dawladda Yuganda sheegtay inay falaagadu weerarka soo qaaday.

Warka ay dawladda Yugandha dagaalkaa ka soo saartay waxa uu intaa ku daray inay ciidamadeedu weli baacsanayaan firxadkii ka hadhay Falaagada weerarka soo qaaday.

Dagaalkani waxa uu maalmo yar ka dambeeyey markii ay dhowaan ciidamada dawladda Yugandha weerareen saldhig ay Falaagadu ku lahayd koonfurta dalka Suudaan, halkaana ay ku dileen 24 qof oo ka tirsan ciidamada falaagada.

Wararka la xidhiidha dagaalka ka dhex-ooggan ciidamada dawladda Yugandha iyo falaagada ku kacsan ayaa sheegaya inay dagaalada ka dhacay waqooyiga Yugandha saddexdii bilood ee u dambeeyey keeneen dhimasho gaadhaysa ilaa 670 qof oo rayid ah iyo qafaalasho la kulantay ilaa laba kun oo qof iyo weliba burbur soo gaadhay ilaa saddex kun oo guri.

 

Badheedhaha

W

aa laba wasiir oo jagooyin isku derejo ah ka haya maamulka xukuumadda Somaliland, laakiin awoodo isku mid ah kama ay lahayn dhinaca qasriga madaxtooyada Somaliland.

Labadaa wasiir mid ka mid ah waxa suurtagal u ahayd inuu xafiiska sare ee madaxtooyada galo, lana kulmo madaxweynaha xili alaale xiliga uu doono, laakiin ka kale toddobaado iyo bilo ayey ku qaadan jirtey inuu la kulmo madaxweynaha. Sidoo kale labadaa wasiir midkood waxa uu lahaa awood uu ku fuliyo ama ku soo qabto arimo badan oo ah dano ku xidhan dhinaca dawladda, ka kalena waxa laga yaabaa iska daa waxyaalo kale oo uu soo qabtee, isaga laftiisa ayaan awoodi karin inuu soo fushado waxa uu u baahdo.

Sidaa darteed awoodaha ku wareegsan madaxtooyada Somaliland waxay ka koobnaan jireen tiro wasiiro ah oo gaar u astaystay awoodo dheeraad ah, kuwaas oo ay qaarkood gaadheen heer lagu naanayso Ra’iisal-wasaare, ragga noocaas ahna waxa naanaysta caynkaas ah loo siiyey waxay ahayd iyadoo uu mid ka mid ahi tusaale ahaan awood u lahaa inuu isugu gaar u shiriyo ama ay ugu xidhnaadaan xayn wasiiro ahi, kuwaas oo aan ahayn kuwa madaxtooyada ka ag dhowaa.

Ragga caynkaas ahi waxay mar walba abaabuli jireen xiisado iyo xaalad abuur, waxayna farta ku fiiqi jireen cid ay ku tilmaamaan inay cadaw u yihiin maamulka talada haya, taas oo ay iyaguna iska dhigaan nasteexa madaxtooyada kaga dayran ama ka horjooga cadawga.

Xulafadani waxay iska dhigi jireen dayr awood leh oo ku wareegsan madaxtooyada, waxayna yeesheen saamayn siyaasadeed oo gaar ah iyo weliba awoodo maamul, taas oo ay awood u yeesheen inay kala shaandheeyaan go’aamada madaxtooyada ka soo baxaya iyo cidda la kulmaysa hogaamiyaha sare ee dawladda oo uu fadhigiisu yahay madaxtooyada.

Marka hab-dhaqankan aynu soo xusnay lagu dabakho maamulka madaxweyne Rayaale runtii lama odhan karo raggaasi way ka baxeen meesha, lamina odhan karo arintu waa sidii hore, waayo bilowgii ilaa waqtiyadan dambe waxa jira waxoogaa furfurnaan ama madax banaani ah oo ay madaxweyne Rayaale kula kulmaan dhinacyadii bulshada ama dadkii ay markii hore raggaasi baandowga ka saareen inay la kulmaan hogaanka sare, laakiin furfurnaantaasi may raali gelin wiilashaa, ka dibna waxay bilaabeen inay hoos-hoos xadhkaha ugu furaan awoodda maamulka ay ka midka yihiin iyo weliba urur-siyaasadeedka UDUB.

Wararka qaarkood ayaa tibaabaxaya  khilaafka dhowaan ka dhex-oogsaday hogaanka UDUB inuu hoosta ka soo huriyaan wiilasha aynu soo xusnay oo xiligan qawaday awoodahoodii dheeraadka ahaa, inkasta oo ay ku fadhiyaan kuraastoodii wasiirnimo, laakiin waxa la leeyahay wax bay tirsadeen, waxayna u arkeen inaanu seeraha maamul ee hogaanka madaxweyne Rayaale ugu qaydnayn sidii uu ugu qaydnayn jirey xiligii madaxweynihii geeriyooday, taas oo la leeyahay waxay meesha ku dhex arkeen xubno kale oo aanay jeclaysan, iyadoo ay siyaasadda madaxweyne Rayaale u muuqatay xurmaynta xulafadii maamul ee madaxweynihii ka horeeyey iyo soo dhowaynta dhinacyo kale oo maamulka hore debedda uga joogay, laakiin inkasta oo uuna madaxweyne Rayaale bilowgii dhisan maamul wadaag ah oo isugu jira dhinacyadii talada debedda ka joogay iyo raggii gudaha ku jirey, hadana xiligan waxa muuqda waxoogaa isbedel ah oo aanay koleyba jeclaysan kudladda aynu soo tilmaanay, taas oo ay u arkaan in xadhkohoodii ama dabinadoodii qaar la debciyey, waxayna taasi keentay inay bilaabaan raacdo ay dib isugu soo ururinayaan firidhkii ku dhacay, kuna  baadi doonayaan sidii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen xayndaabkoodii awoodeed mid la mid ah, taas oo ay uga dan leeyihiin sidii ay naftoodu  daawo ugu heli lahayd xanuunka naftooda damqaya, kaas oo ah inay helaan awood qayrul-sharci ah oo ay iyagu gaar ugu tagri falaan.

Arintu sida ay doonto ha ahaatee waxa hubaal ah inuu maamulka madaxweyne Rayaale ka toosnaan lahaa sida uu maanta yahay hadii uu goor hore ku dhiirran lahaa talaabooyin uu ku safaynayo casaabadda dhex gurguuranaysa maamulkiisa, taas oo ay tahay inuu meesha ka saaro xubnaha ku mamay awoodda qayral-sharciga ah ee ay sida gaarka ugu tagri falaan, iyaga oo mar walba doonaya inay xuurta ku haystaan awoodda dalka. Raggaasina dhaqanka ay waalifeen waxa uu la mid yahay dhaqankii dalka Masar ka jirey sannadkii 1971-kii, waqtigaas oo Anwara Saadaat xukunka kala wareegay Jamaal C/Naasir oo uu markii hore madaxweyne Kuxigeen u ahaa, laakiin Anwar Al-saadaat waxa carqalad ku noqday kooxihii awoodda badan ee leexsan ku lahaa maamulkii hogaamiyihii ka horeeyey, waxayna taasi ku qaadatay inuu muddo sannado gaadhaysa kaga sifeeyo maamulkiisa, ka dib markii ay la barbar yaaceen awoodo u dhigma ama ka sareeya awoodiisii madaxweynenimo. Talaabadaasna waxa uu Anwar Al-saadaat ku helay fursad uu si xor ah ugu madax banaanaado taladiisa hogaamineed, taas oo ay meesha ka baxeen awoodihii dad-banaa ee barbar yaacayey.  

 

Maxay noqon Ku Tagrifalka Awoodeed Ee Maamulka Gobolka Hargeysa Ururka UDUB

Anigoo ah muwaadin  somalilander ah isla markaana ka mid ah taageerayaasha ururka UDUB, waxaan halkan ku soo bandhigayaa aragtidayda hoos ku qoran.

Maamulka gobolka Hargeysa ee ururka UDUB, markii la soo gaadhay xulida ama kala saarida musharixiinta Golaha deegaanka caasimada isaga oo burburiyay xeer hoosaadka ururka UDUB, qodobada 17aad, 18aad iyo 19aad, xeerka doorashooyinka Qaranka qodobada 4aad iyo 23aad iyo dastuurka dalka JSL qodobada 8aad iyo 9aad, wuxuu ku kala saaray ama ku soo xulay qabyaalad iyo beelnimo, taasoo ah mid dambi qaran ah, oo ay xaaraantinimaynayaan, dhammaan xeerarka kala duwan ee kor ku qoran.

Waxaanu xulay Gudoomiyaha gobolku, xubinta 1aad ee Golaha deegaanka caasimada, inaadeerkii oo haysta codad ama taageerayaal dhan 370 xubnood, waxaanu liiskaba ka saaray xubinta buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa, haystana codad ama taageerayaal dhan (1535), xubnood, taasoo ah qabyaalad, cadaalad darro iyo baabi’inta ururka UDUB, ama kala eriga ururka UDUB iyo dadka taageerayaashiisa ah.

Haddaba waxaa cadaan ah Gudoomiyaha gobolka Hargeysa ee ururka UDUB, inuu si badheedha u burburinaayo una baabi’inayo ururka UDUB, si uu uga hadho ururku tartanka doorashooyinka dalka, dadkana uga eryaayo ururka UDUB, si ay ugu biiraan ururo kale oo ay isaga is ogyihiin.

Haddaba dhammaan taageerayaasha ururka UDUB waxay sugayaan si ay go’aan u qaataan, talaabada ay ka qaadaan  arrimaha kor ku qoran iyo sida ay wax uga qabtaan gudida fulinta ururka UDUB.

Maxamed Aw Cabdi Hargeysa

 

Bal Dayaay Wadaadkii waa kaa sii dabayshadaye

Wixii ka dhacay ururka UDUB dhexdiisa waxay ahayd wax dadka qaarba ay dhinac u qaateen dadka qaar waxay la ahayd in Cabdi Aw Daahir noqday nin ka dheereeyay maamulka fadhi baradka ah ee mudada yar xilka hayay isla markaasina inuu u muujiyo nin ay ka dambayso taageero weyn oo dhan walba ah, halka ay qaar kale iska tusayaan in Cabdi Aw Daahir lagu maagay markii uu diiday inuu sadbursiimo u sameeyo beel ka mid ah beelaha Hargeysa oo madaxweynaha cadaadis ku saartay in loo kordhiyo xadiga kuraasta Golaha deegaanka ee caasimada, isla markaasina ay qaataan 10 kursi ee ugu horeeya tirada ugu badan taasi oo la sheegay inuu isna ka diiday. Qaar sadexaad ayaa iyaguna sheegay inuu mid ka mid ah siyaasiyiinta isu soo sharaxay xilka madaxweynenimada dalku uu dhabarka ka taabtay oo uu u balan qaaday lacag iyo xil intaba si uu u kala daadiyo ururka isku jirka ah ee dawladda.

Si kastaba ha ahaatee umay raxleynin cid kasta oo uu islahaa waxaad ka helaysaa taageero buuxda ha ahaato beesha uu ka soo jeedo ama ha ahaato cid kale oo uu islahaa waxay ku siinayaan hiil muuqda. taasi oo qaarba aydhan ula aamuseen taageeradooda haddii aynu ku horeyno dhanka beesha waxay u arkayeen nin ka gaabiyay waxyaabo badan oo ay beeshu xaq u lahayd ha ugu horeyso xilalka ururka ee heer gobol iyo heer degmo oo aanu u qaybin sidii la rabay taasi oo ay beeshu si weyn uga madax ruxday. Dhinaca dadkii kale ee uu islahaa waxaad ka helaysaa taageero buuxdana ayaa iyaguna noqday qaar kula socday danta ay ka lahaayeen oo keliya ee aan si niyadi ku jirto aan u taageersanayn.

Isku soo wada duuboo maamulka sare ee UDUB (madaxweynaha) waxaa looga fadhiyaa inuu si dhakhso ah u magacaabo xoghaye guud oo xisbigu yeesho kana soo jeeda halka uu kii hore ka soo jeeday, isla markaasina uu si siman u qaybiyo tirada gudiga fulinta ee dhinaca ka raran haddii kale waxay u ekaanaysaa inuu Madaxweynuhu qaatay cadaadiskii beryahanba dadku ku xamanayeen ee la lahaa waxay dhegihiisu maqlaan codka beel qudha.

C/laahi Faarax Hargeysa

 

Haween UDUB Ah Oo Dhigay Mudaaharaad ay Ku Taageerayaan Cabdi Aw Daahir.

H

argeysa (Haatuf): Haween ka tirsan garabka haweenka ee ururka UDUB ayaa shalay abaabulay mudaaharaad ay ku taageersan yihiin Cabdi Aw Daahir, Xoghayaha guud ee UDUB oo sheegay inuu yahay musharaxa madaxtinimada ee ururkaasi taasoo keentay inuu khilaaf ka dhex dhasho hogaanka ururka UDUB.

Haweenkan oo watay basas iyo baabuur kale waxay socod ku mareen wadooyinka waaweyn ee Hargeysa iyagoo ku dhawaaqayay “Cabdi Aw Daahir ha noolaado” aakhirkiina waxay isugu tageen xarunta ururka UDUB.

Balse haweenkan waxaa markii dambe kala kaxeeyay Ciidanka booliska.

Sida ay noo sheegtay Xaliimo Cismaan Raage oo ka mid ahayd haweenka mudaaharaadka abaabulay waxay mudaaharaadkaa ku taageerayeen Cabdi Aw Daahir, iyo dimuqraadiyada “waxaanu taageeraynaa Cabdi Aw Daahir Cali Xoghayaha guud oo xoog lagaga saaray xafiiskiisii taasoo ka soo horjeeda Dimuqraadiyada oo ay xaaraan ka tahay in xoog la adeegsadaa” ayay tidhi Xaliimo oo xalay u waramaysay Haatuf.

 Maaha markii ugu horeysay ee ay haween UDUB ahi mudaaharaad dhigaan balse waxa kan ka horeeyay mudaaharaad noocan ah oo lagu taageerayay Madaxweyne Rayaale. 

 

Wasiirada Arrimaha Dibada Ee Carabta Oo Uu U Furmay Shir Deg-Deg ahi

Q

aahira (W. Wararka) Shir deg deg ah oo ay ku kulmeen wasiirada arrimahada dibadda ee dalalka xubnaha ka ah jaamacada carabta ayaa shalay ka furmay xarunta ururkaasi ee magaalada qaahira kaasoo ay kaga wada hadlayaan qaaraarkii dhawaan ka soo baxay Golaha amaanka ee Q. midoobay ee ku saabsanaa baabi’inta hubka halista ah ee Ciraaq.

Sida uu sheegay Gudoomiyaha kulankan oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan Maxamed Xaamud mawduuca ugu horeeya ee kulankan lagu soo qaadayaa waa xaaladda xun ee ay wakhtigan marayso umada carabtu isaga oo Golaha amaanka ka dalbaday inay fuliyaan qaraarkii ka soo baxay Golaha amaanka ee ku saabsanaa Falastiin iyo in la baabi’iyo hubka halista ah ee ay Israa’iil haysato. Xoghayaha guud ee jaamacada Carabta Camar Muusa ayaa la sheegay inuu diiday khudbadiisa furitaanka uu ka jeediyo shirka isaga oo sheegay inuu ka jeedin doono kulanka ay albaabadu u xidhan yihiin ee wasiirada arrimaha dibadda isagoo taa ku sababeeyay marxalada khatarta ah ee ay marayso umada carabtu.

Balse Camar Muusa waxa uu tilmaamay inaanay diidanayn qaraarka qaramada midoobay ee ku saabsan hubka Ciraaq. Balse ay diidanyihiin in xoog loo adeegsado arrinta Ciraaq.

Dawladda Ciraaq ayaan ilaa hadda ka hadlin mawqifkeeda ku Aadan qaraarka Golaha amaanka balse waxa la filayaa inuu Sadaam xuseen aqbalo fulinta qaraarkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq Naji Sabri ayaa isna sheegay in ay Ciraaq qaraar soo saari doonto wakhtiga ku munaasibka ah.

 

Shirweyne U Furmay Xisbiga Shuuciga Ee Shiinaha

P

eking (W. Wararka) Shirweyne uu ku kulmay xisbiga shuuciga ah ee ka taliya dalka Shiinaha ayaa ka furmay caasimada dalkaas ee Peking. Shirweynahan oo ah kii 16aad ee uu yeesho xisbigaasi waxaa la sheegay in la soo hordhigay dib u habayn la doonayo in lagu sameeyo xisbigaasi isbedelkan oo aan faah-faahin laga bixin waxa la filayaa inuu dariiqa u furo dad cusub iyo dabaqado loo ogolaado inay ku soo biiraan xisbiga, shirweynahan oo ay ka qayb galayaan ergooyin ay tiradoodu dhan tahay 2114 ayaa la filayaa inay ansixiyaan isbedelkan waxaa kale oo la filayaa inay hogaanka xisbiga ku soo biiraan dad dhalinyaro ah oo bedela hogaamiyayaasha da’da weyn ee xisbigaasi ee ay da’doodu dhaaftay 70 sano.

 

Safaarada Maraykanka Ee Yemen Oo Dib Loo Furay

S

anca (W. Wararka) Dawladda maraykanka ayaa dib u furtay safaarada ay ku leedahay Yemen taasoo albaabada loo Xidhay ka dib markii weerarka ay diyaaradaha Maraykanku qaadeen lagu dilay dhawaan 6 xubnood oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Qaacida duleedka Sanca.

Xidhitaanka safaarada maraykanka waxaa loo qaaday talaabo dhinaca amaanka ah iyadoo laga cabsi qabay in ay kooxaha mintidka ahi ay qaadaan weeraro aargoosi ah. War ka soo baxay safaarada  ayaa lagu sheegay shalay in safaarada dib loo furay haatan ayna qaban doonto hawlaheedii caadiga ahaa. Beryahanba waxa Yemen  ka jiray dagaal u dhaxeeya maraykanka iyo ururada Islaamiga ah taasoo keentay weeraro iyo qaraxyo ka dhaca dalkaasi. 

 

Leeds Oo 4-3 Ku Legeday West-Ham

Kooxda Westham ayaa la kulantay guud daro ciyaartii ay kula kulantay Leeds.

Difaaca Kooxda West ham oo isku daadsanaa ayaa keentay inay qaybtii hore ee ciyaarta ay Leeds dhaliso tiro goolal ah oo ay ku hubsato shabaga goolka Kooxda West ham.

Guusha ciyaartan ayaa ahayd mid kor u qaadaysa niyada Kooxda Leeds.

(4) afarta gool ee guushu ay ku raacday Kooxda Leeds qaybtii hore ee ciyaarta, laakiin qaybtii dambe sidaa umay awood badnayn Kooxda Leeds.

Kooxda Leeds waxay dhalisay goolkeeda koowaad ee ciyaarta daqiiqadii 11aad markii Harry Kawell kubad uu u laliyay Nick Barmby oo isaguna ku madaxeeyay goolka West-ham. Goolkii labaad ee Leeds wuxuu u dhashay daqiiqadii 28aad markii uu dayacaad muujiyay difaaca West-ham oo uu u dhaliyay Kewell, isla daqiiqadii 41aad ayuu Kewell u dhaliyay kooxdiisa goolkiisii labaad ee ciyaarta oo ahaa goolkii saddexaad ee ay ciyaarta dhaliso Kooxda Leeds, goolka afraadna waxaa saxeexay Mark Vaduka daqiiqadii 45aad ee ciyaarta. Saddexda gool ee ay ciyaarta dhalisay Kooxda West-ham oo dardar la soo gashay ciyaarta qaybteedii dambe waxaa u kala dhaliyay Di Canio oo daqiiqadii 21aad markii laad dheer oo uu soo laaday Micheal Carrick uu farsameeyay Robinson, kubadaas oo lugta u gashay Paul Di Canio oo isna geftin kaga hubsaday goolka Leeds. Labada gool ee kale waxaa u kala dhaliyay West-ham Pen iyo Sinclair daqiiqadii 50aad iyo 74aad ee ciyaarta.

Goolka saddexaad ee uu West-ham u dhaliyay Sinclair ayaa ahaa gool xili dambe oo ciyaarta qaybta dambe dhashay, waxaanu rajo galiyay Kooxda West-ham.

Madaxa Kooxda West-ham oo ciyaartaas ka faaloonayyay ayaa yidhi “ma guulaysan kartid ciyaarta haddii uu difaaca kooxdaadu noqdo sidii uu ahaa difaacayagu qaybtii hore ee ciyaarta” maamulaha Kooxda Leeds Terry Venables oo isna ciyaarta ka hadlayay wuxuu yidhi “waxaanu ahayn koox diir-diiran qaybtii hore ee ciyaarta” ciyaartaas dhexmartay kooxaha Leeds iyo Westham waxa ka soo qayb galay daawashadeeda 33,297 qof.

 

Sunderland Oo Laba Gool Kaga Adkaatay Totteham

“Niall Quin Oo Ciyaaraha Ka Fadhiistay”

laba gool oo ay Kooxda Sunderland u kala dhaliyeen Kevin Philips iyo Tore Andre Flo ayay kaga guulaysatay naadiga kubada cagta ee Totteham ciyaar dhexmartay oo aanay Totteham wax goola dhalin.

Ciyaartoyga gool hore u dhaliyay Sunderland Philips ayaa saaxiibkiisii ciyaaraha ee mudada dheer Niall Quin ayaa ku dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo ciyaaraha kubada cagta. Sunderland ciyaartani waxay u ahayd mid dhiiri galin u leh waxaana lagu ciyaarayay magaaladooda, waxaanay ahayd markii ku xigay ee ay 2 gool dhaliyeen wixii ka dambeeyay 1April ee sanadkan labada gool ee ay ciyaartaas guushu ku raacday Sunderland waxay u kala dhasheen daqiiqadihii 60aad ee ciyaarta iyo tii 62aad. Kooxda Totteham ayaa iyagu helay fursado badan oo ay goolal ku dhalin karayeen laakiin fursadna kamay faa’iidaysan oo may dhamaystirin. Daqiiqadii 23aad ee ciyaarta ayaa Kooxda Totteham soo kululaysay weerar uu hujuumkeeda qaaday Dean Richards, laakiin madaxayntii  uu goolka la beegsaday way dhinac martay.

Daqiiqadii 31aad ee ciyaarta weerar kale oo ay isku dhiidhiibeen Teddy Shering iyo Simon Davies oo ay kubada ku weerareen goolka Sunderland waxaa isu dhigay oo difaacay Phil Babb oo u ciyaarayay Sunderland.

Sunderland waxay heshay fursad fiican ka hor wakhtiga nasashada ee qaybtii hore ee ciyaartaas markii uu Gavin Mc Can uu kubad baas ah u salaxay Philiphs.

Ciyaartaas waxa u saftay Kooxda Sunderland ciyaartoyga kala ah Macho, Mc Cartney Babb, Craddock, Wright, Gray Kilbane, Mc Cann, Flo, Philiphs,.

Inkasta oo ay guushu raacday Kooxda Sunderland, haddana Kooxda Totteham may shidayn dab yar, waxaanay qaadayeen hujuumo is daba jooga oo ay la beegsadeen goolka Sunderland.

Weeraryahanka reer Ireland ee u ciyaara Sunderland Salute Niall Quinn oo 36 jir ah ayaa maalintii shalay cadeeyay inuu ka fadhiisanayo ciyaaraha, Quinn oo dalkiisa Ireland u ciyaaray koobkii adduunka ee bishii june ee sanadkan, wuxuu Sunderland u ciyaarayay lix sanadood, ciyaarihiisa wuxuu la bilaabay Kooxda Arsenal sanadkii 1983kii toddoba sanadoodna wuxuu u safanayay Highbury intii aanu u wareegin Manchester City 1990.

Niall Quinn wuxuu sanadkii hore magac meel maray ka helay markii uu dakhligiisii ugu deeqay Hay’adaha samafalku qaadhaan ay u ururinayeen dad baahan.