Shirka Kenya

E

ldoret (W.Wararka) – Shakhsiyaad u dhashay Somaliland oo ka tirsanaan jiray kooxda Cabdi-Qaasim, ayaa shalay is-hortumay madasha uu ka socdo shirka kooxaha somaliya ee magaalada Eldoret, kadib markii si cad loogu diiday inay ka qaybgalaaln shirka, taas oo lagu fulinayo go’aan ay hore u soo saareen qaban-qaabiyeyaasha shirku oo ah inaan loo oggolaan shirka inay ka qaybgalaan shakhsiyaad ka socda Somaliland, waxaanay taasi keentay inay mudaharaad kula dul-meehanaabaan albaabada shirka iyaga oo codsanaya in loo oggolaado shirka, balse dhegaha umay furin shirguddoonka shirku, waxaanay markii dambe iska kala raaceen ergooyin ilaa 700 gaadhaya oo shirka laga dareeriyay kadib markii qabanqaabiyeyaashu sheegeen in la oggolyahay oo keliya 362 qof. Arrintani waxay ku soo beegantay iyada oo uu shirku galay hakad, kadib markii ay ergooyinka kooxuhu isku mari waayeen qaybsiga guddi-hoosaadyo la qorsheeyay in shirka laga magacaabo.

Dhinaca kale, Hoggaamiyeyaasha siddeed ka mid ah kooxaha Somaliya ee ka qaybgalaya shirka nabadaynta ee Eldoret oo warqad cabasho ah wadajir ugu diray qaban-qaabiyeyaasha shirka Eldoret ayaa looga digay inay sameeyaan isku-day ay shirkaas kaga tagaan.

Wakaaladda wararka ee IRIN oo ka warantay arintan ayaa ka soo xigatay shalay Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah siddeeda hoggaamiye-kooxeed in loo sheegay inay mutaysanayaan xadhig haddii ay isku dayaan inay ka baxaan shirka Eldoret, waxaanu yidhi; “Halkan waxaanu u joognaa in aanu shir-nabadeed ka qaybgalno, haddii aanu isla oggolaan weyno sida looga wadahadlayo, waanu ka baxaynaa, ma nihin maxaabiis.”

Wakaaladda wararka ee IRIN ayaa ku warantay in ergayga Kiiniya u qaabilsan arrimaha Somaliya Elijah Mwangal oo arrintaa ka jawaabayaa inuu yidhi; “Gebi ahaanba waa arrin aan ku habboonayn in loo isticmaalo xadhig arrintan.”

Qanyare Afrax oo ka warramayay waxa ay diidan yihiin siddeedooda hoggaamiye-kooxeed ee qoraalka u gudbiyay qabanqaabiyyaasha shirka Eldoret, wuxuu sheegay in ay diidan yihiin saami sad bursiya oo la siiyay is-bahaysiga SRRC, waxaanu ku daray in dhinacooda ay sugayaan in ay jawaab ka helaan laba arrimood oo ay codsadeen, kuwaas oo ta hore ay tahay inay helaan tiro la mid ah ergooyinka SRRC uga qaybgashay shirka, arrinta labaadna waxay tahay in waqtiga laga hadlayo awood qaybsiga maamul in si adag loo dheeli-tiro isku-miisaanaanta beelaha.

Maxamed Qanyare Afrax, wuxuu hadalkaas ku soo gebogebeeyay haddii aan si fiican looga soo qancin labadaa arrimood hoggaameedyo kooxeedadoodda inay markaa ka bixi doonaan shirka Eldoret.

IRIN waxay intaa raacisay in uu Qanyare Afrax rumaysan yahay in Somalidu ay si toos ah iyadu u wadahadasho oo ayna cidina dhex fadhiyin, waxaanu ku dooday inaanay haysan xorriyad gaar ah oo ay ku wadahadlaan, marka ay Somalidu wadahadlayaana shuruud laga dhigay in mas’uuliyiinta IGAD ee shirkaasi ay dhexjoogto.

Qaban-qaabiyeyaasha shirka Eldoret ee IGAD ayaa dhimay tiaradii ka qaybgalayaasha shirka oo ka dhigay 362, halkii ay markii hore ka ahaayeen 700 oo ergay, tallaabadan oo ka dambaysay kadib markii ay kooxaha Somalida ee shirka ka qaybqaadanayaa ay ku heshiin waayeen in ay iskood tirada u soo dhimaan ka qaybgalayaasha shirkaa.

 

Bal dib ugu noqo sannadihii tegay

Anigoo ku hadlaya afkayga iyo afka saaxiibo fara badan oo aan leeyahay kana kooban gobollada Somaliland oo dhan.

Waxaan hambalyeynayaa oo aan bogaadinayaa raga soo saaray Bayaanka jaraa’idka ku soo baxay 10-11-02 .

Bayaankaas oo xambaarsanaa sidaan anigu u arko nuxur ka weyn oo ka ballaadhan kii loogu talogalay, ayaa saxeexa soo saaray hogaamiye-dhaqameedyo, aqoonyahano iyo indheer-garato ka tisan beesha H/Yoonis.

Raggii baaqa soo saaray markay arkeen arrintan cusub ee timi ayay isu yimaadeen oo ay is tuseen waar maanta oo doorashadii D/Hoose qarka loo saaran yahay maxaa la doonayaa in lagu shaabadeeyo H/Yoonisbaa doorashadii burburisay. Haddaba raggani iyaga oo badbaadinayay sharafta magaca beesha ayay Bayaankaa qiimaha iyo qaayaha badan soo saareen.

Waxa ii horaysay Baaqani wixii loo soo saaray nuxur ka weyn oo ka ballaadhan ayuu xambaarsan yahay, nuxurkaasi nin ragina wuu garanayaa, nacasna loo sheegi maayo.

Marxalad adag baynu ku jirnaye, nacaskuna waa inaga mide aan wax u biniixinno. Bal dib ugu noqo sanadihii ina soo dhaafay, qolo-qolo waxay ina soo marisay garo, waxaad garataa in qoladii laga gudbayo oo qaranimo loo gudbayo, qabiil halkaasi ha kuugu dambayso adduun weynuhu Somaliland xabad beed ah ayay gacanta ugu rideen, waxay yidhaahdeen xabaddaa beedka ah hadaad dilaacisaan oo ay wax nool noqoto umadaha adduunka ayaad ka mid tihiin oo laydiinla macaamilayaa, hadday idinka siibato ooy jabtana waa yeelkadiin.

Dadyahow ama intaa wax ku garo ama ha ku garan, nuxurka baaqaasi xambaarsan yahay waa ka badbaadiyay xabadaa beedka ahi inay ka siibato gacanta Somaliland ee suurogelinaysa inay dillaacdo.

Waxaan leeyahay raggii Baaqaa soo saaray baal dahab ah ayay taariikhda kaga qormi doonaan.

Haddaan u soo noqdo arrinka qaraarku ka soo baxay ee sababay, xoghayaha guud ee Ururka UDUB xaq buu u leeyahay inuu isu sharraxo madaxweynaha dalka siduu qof wal oo reer Somaliland ahi ugu leeyahay xaq. Waxani waa siyaasad, waa maamul qofka sidii lagu keenay ayaa lagu eryi karaa.

Haddaan wax ka idhaahdo arrinka askarta loo adeegsaday xafiiska ururka UDUB, laba siyood ayaan wax uga odhanayaa, waa mare haddii dawladda iyo urur siyaasi ah si gaar ah isu qabtaan hadday dawladdu adeegsato ciidamada hab aynu ka guurno oo aynu hab xisbiyo badan u guurno daaqoo waxay waa marka kalee waxaa la yidhi labada xaqdarada ku heshiiyaa xaqay isku dilaan.

Waxaan leeyahay xoghayaha guud ee ururka UDUB, markii uu la doodi jiray ururada siyaasiga ah isaga oo ka soo baxay shirkii golaha wasiirada ku odhan jiray dawladda iyo UDUB shaqo iskuma laha ee marmarsiinyo ha ka dhiganina ayaan ku leeyahay waad dhitaysatee dhaxalkeeda maal.

C/raxmaan Axmed Xirsi (C/raxmaan Xuunsho).

 

 

 

Waxaanu ku talinaynaa

Sida aynu la wada socono waxaa dhowaan inagu soo fool leh oo dalkeena ka dhici doona Doorashooyin kala duwan oo isku daba xiga. Doorashooyinkaas waxa ugu soo horeyn doonta, haddii Ilaahay idmo, doorashooyinka Dawladdaha Hoose oo loo qoondeeyay inay dhacaan 15ka bisha Desember. Waxaa iyaguna ku xigi doona Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo ilaa iyo haatan wakhti aan loo qoondeyn. Haddaba, inagoo wada ogsoon xaaladda kala-guurka ah ee uu wadankeenu marayo, ayaa waxa haddana marnaba shaki ku jirin faa'iidadda doorashooyin xalaal ah oo wadankeena ka dhacaa inoo leeyihiin.  Urur ahaan, waxa aanu aaminsanahay in doorashooyinka ay ugu soo horeeyaan kuwa dawladdaha hoose ay horumar iyo Dimuqraadiyad u horseedi doonaan dadkeena iyo dalkeena hooyo.  Sidaa darteed, waxa aanu ugu baaqaynaa Koomishanka doorashooyinka, Ururadda Siyaasiga iyo dadweynaha reer Somaliland inay u hawlgalaan una tafo-xeytaan sidii ay u suurto-gelin lahaayeen doorashooyinkaa, anagoo ku rajo weyn inay noqdaan kuwii u dhaca si caddaalad iyo dimuqraadiyad ka muuqato.

 

Ka bacdi marka laga gudbo Doorashadda Golayaasha Deegaanada, waxa sidoo kale la rajaynayaa inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-Xigeenka.  Sida Xeerka Doorashooyinka ku cad, doorashadaas waxa ku dhawaaqidoona, masuuliyada ugu horeysaana ka saaran tahay in ay cayimaan wakhtiga ay qabsoomi karto, Koomishanka Doorashooyinka oo bayaankoodu kusoo bixi doono Xeer Madaxweyne.  Haddaba anagoo, sida aanu kor kusoo xusnay, dhiiri gelinayna horu-socodka hanaanka Dimuqraadiga ah ee talo-wadaaga siyaasadeed, aaminsanna muhiimadda doorashooyin xalaal ah oo dalka ka dhaca, ayaa waxaa noo muuqatay dhibaatooyin is-hortaagi kara sidii ay Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkiisu u qabsoomi laheyd, ka hor inta aanu muddada xilku ka dhamaan Madaxweynaha, taaso ku eg 23ka bisha labaad ee sanadka 2003.  Hadaba, ka dib:

 

      Markii ay noo cadaatay inay foodda isla soo gelayaan doorashoyinka Dawladaha Hoose iyo waqtiga xilka Madaxweynuhu dhamaanayo;

 

      Markii aanu eegany in doorashada G/Degaanku markay dhacdo 15 Disambar  2002 (Bi Idnillaah), ay waqti qaadanayso tiradda codadka iyo bayaanka rasmiga ah ee natiijadda Doorashadu;

 

      Markii aanu derisnay ee aanu dhuuxnay qodobka 4aad, faqradihiisa 11aad, 12aad, 13aad ee Xeerka Nidaamka Ururrada & Axsaabta Siyaasadda ee sheegaya in saddexda urur ee ugu codadka bata doorashoyinka Golayaasha Deegaanada loo aqoonsanayo Xisbiyo Qaran iyaguna u soo sharixi karaan Musharrax Madaxweyne iyo Ku-xigeen,;

 

      Markii aanu sidoo kale aragnay qodobka 26aad, faqraddiisa 1aad ee Xeerka Doorashoyinka Deegaanka iyo Madaxtooyada oo sheegaya in liistooyinka Musharixiinta Madaxtooyada loo gudbiyo Komishanka 45 maalmood ka hor maalinta doorashadu dhacayso;

 

      Markii aanu aragnay qodobka 83aad, faqradiisa 3aad ee Distuurka Qaranka oo dhigaya in jagadda Madaxweynaha shakhsiga ku guulaystaa ay tahay in xilka kula wareego muddo bil gudaheed ah;

 

      Markii aanu aragnay inuu Koomishanka Doorashoyinku awood u leeyahay inuu muddada doorashoyinka Madaxtooyada cayimo (Xeerka Doorashoyinka G/Deegaanada iyo Madaxtooyada - qodobka 8aad & 14/1) laakiin aanu xaq u lahayn inuu Muddo u kordhiyo Madaxwenaha xilka haya ee muddadii sanadka ahayd ee loo kordhiyey ka dhammaanayso 23ka bisha 2aad ee sanadka 2003;

 

WAXA NOO CADAATAY:

 

in wakhtiga oo aad u cidhiidhi ah awgeed aanay doorashooyinka Madaxtooyadu ku qabsoomi karin ka hor inta aanu muddada xilka ee Madaxweynuhu dhamaan.

 

 

WAXAANU MARKAAS SOO JEEDINEYNAA:

 

              In ay lagama maarmaan tahay in Koomishanka Doorashooyinku, oo masuuliyadda koobaad leh, derso oo ku dhawaaqo in doorashadu wakhtigii loogu talo galay ku qabsoomi karto iyo in kale, isla markaana ku dhawaaqo wakhtiga ugu soo horeeya ee ay doorashada Madaxtooyadu ku qabsoomi karto, marka ay darsaan Xeerka Doorashooyinka iyo Distuurka Qaranka.

              Marka intaa la helo, Urrurada Siyaasiga, Golayaasha Barlamaanka, iyo Xukuumadda Somalilandba inay isla gorfeeyaan wixii xal noqon lahaa iyo sidii arrinkan looga gudbi lahaa.

  Waa in markastaba xalka arrinkani noqdaa mid ku salaysan Distuurka Qaranka, iyadoo mar walba ay inoo furan tahay wax-ka-bedelka Distuurka haddii aynu ka fursan weyno.

              In xalka arrintan hadda lagu dhaqaaqo oo aan la sugin dhamaadka muddada xilka Madaxweynaha. Waa inaynu ka gaashaamanaa oo aanay dhicin in wakhtigii Xukuumadda loo kordhiyay dhamaado, doorasho Madaxweynana qabsoomi kari weydo, sababaha aanu kor kusoo xusnay aawadeed.  Waa inaan iminka xal sii raadinaa oo ka tabaabushaysana waxa Beri inagu soo fool leh.

 

Anaguna Somaliland Forum haddaanu nahay, dib ayaanu idiinku soo gudbin doonaa sida ay noogu muuqato in arrinkan looga gudbi karo, iyo wixii talo ahba.

SOMALILAND FORUM

 

Shuruucda doorashada (Electoral Laws)

1.      Xuquuqda Dastuuriga ah

 

1.1. Xaqa doorashada

Muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo hawlaha siyaasadeed, iyo in la doorto waxna uu doorto. Mabda’a aas-aasiga ah waxaa lagu xaqiijiyay qodobka 22aad ee dastuurka.

 

1.2. Yaa Muwaadin ah?

Muwaadinnimada, sida lagu helaayo ama lagu waayaayo, iyo shuruudaha kale ee looga baahan yahay qofka muwaadinka ah waxaa lagu faahfaahiyay xeerka jinsiyadda JSL ee tirigiisu yahay; 22/2002.

 

1.2.1.     Xeerka Jinsiyadda

1.      Qodobka 2aad

Muwaadinimada u dalashada ah

 

1.      waxa muwaadin dhalad Somaliland ah qof kasta oo uu dhalay Aabe ka isiran dadkii degganaa dhulka Somaliland 26 June 1960-kii iyo kahor.

2.      muwaadinka dhalad Somaliland ahi wuxuu qaadan karaa jinsiyad dal kale (Dual Citizen), iyada oo aanu luminayn muwaadinnimadiisii Somaliland.

3.      qof kasta oo qaan-gaadh ah oo uu dhalay muwaadin Somaliland ah ee ku nool dal shisheeye ama haysta jinsiyad dal kale ama laaji ku ah wuxuu muwaadinnimada Somaliland qaadanayaa marka ugu horraysa ee soo galo dalka Somaliland, haddii aanu iskii uga tanaasulin.

 

1.2.1.     Qodobka 3aad

Helida aqoonsiga Somalilandnimada

1.      aqoonsiga caddaynta muwaadinnimada Somaliland waxa lagu kasban karaa marka codsaduhu la yimaado arrimahan;

a)      caddayn uu maxkamadda horteeda ka bixiyay caaqil ka diiwaangashan wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ardaaga uu ka soo jeedo codsaduhu.

b)     In uu soo buuxiyo foom loogu talogalay oo uu soo saarayo xafiiska jinsiyaddu, isla markaana saxeexo.

2.      aqoonsiga muwaadinnimada Somaliland wuxuu ahaanayaa mid isku mid ah oo leh tirsi taxane ah oo ka diiwaangashan wasaaradda A/Gudaha, waxaana saxeexaya guddoomiyaha gobolka awood u leh.

3.      qaabka, midabka, qoraalka lagu muujinayo aqoonsiga iyo oggolaanshaha daabacaadiisa iyo maamulkiisa, waxa xeer nidaamyo ku soo saaraya wasiirka A/Gudaha.

 

1.2.1.1.    Qodobka 4aad

Oggolaanshaha muwaadinimo ee qof ajanabi ah ama qaxooti ah.

 

1.      Qofka ajanabiga ah ama qaxootiga ah ee sifo sharci ah ku jooga dalka Somaliland ee soo codsada muwaadinimo Somaliland, waxa la siin karaa marka uu buuxiyo shuruudahan;

a. In codsaduhu qaan-gaadh yahay.

b.      In ugu yaraan 10 sano si sharci ah oo xidhiidh ah u degenaa dalka Somaliland.

c.      Inuu ku sifoobay dhawrsanaan iyo dhaqan-wanaag.

d.      Inaanu ku dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga caddaaday, kana qaybqaadan fal ka dhan ah qaranimada Somaliland.

e.      Inuu ahaa cashuur bixiye muddadii uu dalka degenaa.

f. Inuu bixiyo caddayn uu kaga tanaasulayo dhalashadiisii hore isla markaana maro dhaarta ku xusan qodobka 6aad ee xeerkan.

 

2.      qofka ay dhashay hooyo muwadin Somaliland ahi ee la xaqiijiyo inuu yahay Aabe-laawe, ee soo codsada muwaadinnimada Somaliland waxa la siin karaa muwaadinimada marka uu buuxiyo shuruudaha ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan.

 

1.2.1.2.    Qodbka 7aad

Sdia lagu waayayo muwaaedinnimo

 

Muwaadinimada Somaliland waxa lagu waayi karaa;

 

1.      marka qofku iskii uga tanaasulo muwaadinnimada Somaliland ee uu qaato jinsiyad kale.

2.      qofka oo aqbala shaqo dawlad kale ama ku biira ciidan dawlad kale oo wax u dhimaysa qaranimada Somaliland ee diida inuu shaqadaa kaga baxo waqtiga dawladda Somaliland u qabatay.

3.      muwaadinnimada lagu helay sida ku sheegan qodobka 4aad waa laga noqon karaa marka guddiga qaranka ee jinsiyaddu ku qanacdo inqofkii la siiyay aanu istaahilin ama uu jebiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu siiyay.

4.      haddii ay caddaato in laga beensheegay caddaymihii lagu bixiyay muwaadinimada waa laga noqonayaa oggolaanshihii, ciddii been abuurka samaysayna dembiga ayaa lagu oogayaa.

5.      ka noqoshada oggolaansho muwaadinimo waxa lagu soo saarayaa dekreeto madaxweyne marka uu dhegaystay talo soo jeedinta guddiga qaranka ee jinsiyadda.

 

1.2.1.5. Qodobka 9aad

gabadha guursata ajanabi

 

1.      gabadha ajanabi ah ee guursata nin muwaadin ah waxay helaysaa muwadinimada Somaliland, waanay haysan kartaa xataa haddii la furo, haddii aanay iskeed uga tanaasulin.

2.      gabadha muwaadin ah ee guursata nin ajanabi ah way waayaysaa muwaadinimada Somaliland, haddii ay qaadato jinsiyadda ninkeeda.

3.      gabadha muwaadin ah ee uu qabo nin lumiyay muwaadinnimada Somaliland ee qaatay jinsiyad kale, way luminaysaa muwaadinnimadeedii haddii aanu ninku laaji noqon.

4.      gabadha lumisay muwaadinnimada Somaliland guur dartii dib ayay u heli kartaa haddii ay la timaado sifaha sharcigani tilmaamayo.

 

Ururada kale way nala soo xidhiidheen..

H

argeysa (Haatuf): Labada urur-siyaasadeed ee UDUB iyo ILAYS-ka Somaliland ayaa shalay qalinka ku duugay heshiis dhigaya inay midoobaan, sidaana waxa daboolka ka qaaday qoraal saxaafadda loogu talo galay oo ay wada jir u saxeexeen labada nin ee kala ah: Cismaan Garaad Maxamuud (Ku simaha xoghayaha guud ee UDUB) iyo Axmed Xaashi Cabdi (Ku simaha xoghayaha guud ee ILAYS).

Qoraalkaa waxay labada urur ku sheegeen inay mabdi’iyan ku heshiiyeen midaynta labada urrur, laakiin waxa la magacaabay guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban hogaamiyayaasha labada urur, kuwaas oo isa soo cunsiin doona labada qaab-dhismeed ee labada urur, magaca ay labada urur ku midoobayaan iyo weliba isku soo duba ridka arimaha ay labada urur ku heshiiyeen. Qoraalka heshiiska ee ay labadaa urur wada jirka u soo saareena waxa uu u qornaa sidan:

“Kulamo isdaba joog ah oo ay labada guddi fulineed ee labada urur ee UDUB iyo ILAYS wada yeesheen oo la soo gebagebeeyey Isniintii shalay ee ay taariikhdu ahayd 11/11/2002 waxay mabdi’iyan ku heshiiyeen in labada urur la mideeyo. Si arintaas loo dhamaytirona waxa la saaray guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac , go’aamada ay guddiga farsamo ku heshiiyaana waxa lagu faafin doonaa saxaafadda marka ay soo dhamaystaan hawshooda. Laakiin inta ay soo dhamaanayso shaqada guddiga farsamadu labada xisbi hawl-galkooda waxay u sii wadayaan si wada jir ah, waxaanuna ugu baaqaynaa taageerayaasha labada xisbi ee UDUB iyo ILAYS goob kasta oo ay joogaan inay hawl-galkooda si wada jir ah u gutaan”ayey qoraalkooda ku xidheen. Hase yeeshee xoghayaha guud ee ururka ILAYS-ka Somaliland, Axmed Xaashi Cabdi ayuu wargeyska Haatuf waraysi dheeraad ah kala yeeshay arimo dhinacyo badan leh, taas oo wax laga waydiiyey sababta keentay inay UDUB la midoobeen, waxyaalaha ay ku heshiiyeen iyo guud ahaan waayaha siyaasadeed ee ururka ILAYS-ka Somaliland, iyadoo uu ururka ILAYS-ka Somaliland ahaa ururka keliya ee aan gud-bin liisaskii musharaxiinta golayaasha degaanka, laakiin arintaa jawaab ayey ka bixiyeen, sidoo kale marar hore oo dhawr ah ayey rag ururka ILAYS ka tirsan ka soo yeedhay waxaanu la midownay urur hebel, taana wax baa laga waydiiyey xoghayaha ILAYS. Hase yeeshee waraysigaasi isaga oo dhamaytiran waxa uu u dhacay sidan:
S: Sharax naga sii sababta aad ula midowdeen ururka UDUB ?.

 J:  Runtii midowgani ma aha mid iminka bilaabmay, laakiin waxa uu ka dambeeyey kulamo isdaba joog ah oo inmuddo ah noo soo socday, sida aad la socotaana xubnihiisa sarsare oo uu ka mid yahay gudoomiyaha wadanka debediisa ayey ku maqan yihiin iminka markii ay doorashooyinku soo dhowaadeena waxay yimaadeen wadanka, dabadeedna waxaanu samaynay qiimayn guud oo la xidhiidha xaaladda doorashooyinka iyo ururkayagu waxa uu ku sugan yahayba, ka dibna markii aanu aragnay inay mudadu aad u gaaban tahay waxay nala noqotay bal inaanu eegno bal wixii kale ee noo furan, sidaa awgeed waxaanu ka fekeray inaanu urur kale wax la qabsano, ururada kalena runtii way nala soo xidhiidheen oo ururo badan baa doonayey inaanu wax wada qabsano, laakiin muddo ayey nagu qaadatay inaanu ka fekero ururkii aanu wax la qabsan lahayn, cidda aanu la midoobaynana shuruudo ayaanu ku xidhnay, markaa runtii shuruudihii aanu ku xidhnay cidda aanu la midoobayno waxa buuxiyey ururka UDUB, dabadeedna maanta (Shalay) ayaanu mabda’ ahaan isla garanay inaanu midowno. 

S: Waa maxay shuruudaha aad sheegtay ee uu buuxiyey ururka UDUB ?.

J: Shuruudaha waxa ka mid ah marka hore cidda aanu la midoobayno waa inaanu u aragno inay danta dalka iyo dadka faa’iido ugu jirto, taa waanu isku qancinay, ta labaad mabda’ ururka UDUB iyo Mabaadi’dayadu waxay noqdaan qaar isku dhow-dhow oo is waafiqi kara, inta aanu ku kala gedisanahayna waxaanu u aragnaa in meel la isugu keeni karo, ta saddexaad waxay ahayd ururka aanu wax la qaybsanayno waa inay hogaaminayaan dad aanu da’ ahaan isku dhow-dhow nahay oo aanu is fahmi karno shuruudaasna way ka baxeen UDUB, ta afraadna waxaanu u aragnay hogaanka UDUB inuu yahay hogaan maskax furan oo deb-debecsan oo had-ba wixii yimaada laga wada hadli karo oo aanay meeshii diktaytarnimo iyo isla wayniyi meesha ku jirin iyo ta shanaad oo ah inaanu wax qoran ku heshiino, taasna hawsheedii way socotaa. 

S: Ku biiridiina UDUB waxay ku soo beegantay waqti uu hogaanka ururka UDUB khilaaf ka ooggan yahay taa sidee baad u aragtaan ?.

J: Walaahay wuu jiray khilaafku wax naga qarsoonaana ma ahayn, wuxuuna khilaafkoodu soo baxay iyadoo ay wada hadaladu noo socdaan oo aanu mar iyo lababa is aragnay, laakiin ma aha khilaafku mid naga joojinaya midowga, iyagana waqti ay arimahooda ku xalishaan ayaanu siinay, markii ay arimahooda dhamaysteena waanu is aragnay, waxaanuna soo wada saarnay heshiiskan.

S: Khilaafka hadda ka dhex-muuqda ururka UDUB ma u aragtaan inuu saamayn idinku yeellan karo?

J: Anugu uma arko inuu saamayn nagu yeellan karo, sababta oo ah waa arin UDUB u taal oo ay tahay inay iyagu xalishaan arimahooda.

S: Midowgan aad UDUB la midowdeen madaxweyne Rayaale oo ah gudoomiyaha ururka ma ka wada hadasheen?.

J:Midayntu waxa weeye arin laga siman yahay madax iyo minjibo, taas oo ah arin ay UDUB u dhan tahay.

S: Ururka UDUB waxay had iyo goor ururada mucaaradku ku eedeeyaan inuu isticmaalo hantidii ummadda iyo awooddii dawladda, ururkiinuna ka mid buu ahaan jirey kuwa sidaa ku eedeeya, markaa maxaa is bedelay baad leedahay hadda ?

J:  Walaahay eedaymuhu waa eedayn uun ilaa la cadeeyo, waxayna eedayntu u baahan tahay cadaynteeda, mana aha nimanka UDUB niman meesha xoog ku qabsaday ee waxa soo doortay dad inaga wakiil ah.  Ta kale beryahan dambe laftigoodu waxaad moodaa inay kala fogaynayaan maamulkii xisbiga iyo dawladda, anaguna waxaanu jecelahay inaanu taa ku dedaalo wax ka qabashadeeda oo ay waxa dawladduna wax dawladeed ahaadaan, waxa xisbiguna wax xisbi ahaadaan.
S:
Naanaysaha ay xisbiyada mucaaradku tilmaamaan ama sheegaan waxa ka mid isku milanka dawladda iyo UDUB, hadii aad ku biirteen taa maxaad is leedahay waad ka tari karisaan.
J:
Taa siyaalo kala duwan baanu u aragnaa, siyaalaha ugu wanaagsan ee ay xisbigu iyo dawladdu u wada shaqayn lahaayeena waanu soo jeedinay, waxayna taasi ka mid tahay waxyaalaha guddiga farsamada loo saaray, markaa had-ba inta uu dedaalkayagu gaadho waanu filaynaa inaanu waxyaalo badan ku soo kordhin karo, waxna ka bedeli karno qaabka iyo nidaamka ay UDUB u jiraan.
S:
Ururkiina waxa hore uga soo yeedhay dhawaaqyo dhawr ah oo midow la xidhiidha, qolo waxay London ka sheegtay inay HORMOOD la midoobeen, qolo kalena waxay Burco ka sheegtay inay KULMIYE la midoobeen, idinkuna waydinkan sheegay inaad UDUB la midowdeen, arimahaasi raad noocee ah bay yeelanayaan ?.
J:
Arimahaa hore waxba kama hirgelin, waayo marka uu midow imanayo waxa loo noqonayaa distoorka ururka, waxaana lays waydiinayaa yaa awood u leh inay go’aamiyaan arinta midowga iyo sidee baa loola midoobayaa cid kale, sidaa darteed labada qolo ee ay qolo tidhi waxaanu la midownay HORMOOD, qolona tidhi waxaanu la midownay KUL:MIYE, labadaba waxoodu waa qayral-sharci, waayo qolona ma raacin sida ay dhigayaan distoorkayaga iyo xeer-hoosadkayagu,  awood-na uma ay lahayn inay magaca ururka cid kula midoobaan, horena waanu uga jawaabnay dhawaaqyadooda oo waanu beeninay, sidaa ayeyna ku dhamaatay. Tusaale ahaan nimankii HORMOOD galay ilaa saddex nin bay ahaayeen, laakiin shakhsiyaadnimadooda ayey kula midoobeen HORMOOD, maantana waa ka mid, sidoo kale ninka Burco shakhsinimadiisa ayuu kula midoobay ururka KULMIYE, qofkuna fikirkiisa siyaasadeed ee shakhsiga waa u madax banaan yahay.
S:
Ururkiinu ma gudbin liisaskii musharaxiinta golayaasha degaanka oo meesha wuu ka baxay maxaa idin helay?.
J:
Markii aanu wadanku nimi qiimayn doorashooyinka iyo mawqifka ururka ku saabsan baanu galay, waxaana jirey wada hadalo ku saabsan sidii aanu cid kale wax ula qabsan lahayn, dabadeedna hore ayaanu go’aan ugu gaadhnay inaanaan liisaska musharaxiinta xerayn si ay hadhow noogu fududaato ciddii aanu wax la qabsanaynaa oo aanu khilaaf uga iman liisaska la xereeyey, waayo tusaale ahaan HORMOOD iyo BIRSOL oo kale markii ay isku darsadeen khilaaf baa ka soo baxay liisaskii kala duwanaa ee ay xereeyeen, Sidaa  darteed inaanaan liisaska musharaxiinta xerayn waxay ahayd mawqif ururka ILAYS hore u qaatay.
S:
Idinka (ILAYS) iyo UDUB ma magac cusub iyo madax cusub baad wada yeelanaysaan, mise UDUB uun baad ku biirteen?.
J:
Guddiga farsamo oo uu urur waliba saddex xubnood soo magacaabay ayaa ka wada hadli doona arimahaa, kana soo saari doona war rasmi ah, iyaga oo isu eegaya labada barnaamij iyo labada qaab-dhismeed ee labada xisbi.

S: Waa maxay taageerada aad haysataan ILAYS ahaan ee aad kula bahowdeen UDUB?.
J:
Horta dadka ururkayaga waxa isu keentay oo midaysay aragti ee qabiil isuguma ay iman, wax kalena isuma ay keenin, dadka ururka ku jiraana waa dad dhalinyaro ah oo aan siyaasadda hore ugu soo jiri jirin, laakiin gartay inay maanta fursadi u banaan tahay, mujtamaceenuna waxa uu u badan yahay dadka dhalinyarada ah, sidaa awgeed waxaan odhan karaa waanu haysanaa aqlabiyadda dadka dhalinyarada ah, waxaanuna aaminsanahay inaanu haysano taageero xoog leh.

S: Waqtigan xaadirka ah waxa inagu soo dhow oo la filayaa inay dalka ka dhacaan doorashooyinka dawladaha hoose, laakiin inkasta oo aad moodo inay ururada siyaasaddu u soo diyaar garoobeen inay doorashada galaan, hadana iyadoo la milicsanayo duruufo jira waxa had iyo goor taagan su’aal odhanaysa tolow doorashooyinku ma dhici doonaan, mise ma dhacayaan, idinku taa sidee baad u aragtaan? 
J:
Walaahay horta wadankeenna doorashooyinku way ku cusub yihiin, mudaduna aad bay u gaaban tahay, sidaa darteed su’aasha ah ma dhacayaan iyo way dhacayaana waa la is waydiin karaa oo waa su’aal furan, laakiin ilaa hadda sida aanu anagu aaminsanahay, ururada kale iyo guddiga doorashooyinkuna aaminsan yihiin waxa weeye inay doorashooyinku dhacayaan, balse qof ballan qaadaya oo odhan kara way dhacayaana ma jiro  sababta oo ah qofna ma oga beri waxa dhici doona, laakiin hadda waxa laga midaysan yahay oo ay tahay aragtida lagu hawl-gelayaa inay doorshooyinku dhacaan, hadiise ay yimaadaan duruufo ay doorashooyinku ku dhici waayaan, taasi waa wax loo wada joogo oo laga tashan karo, anaguna arimaha ururada kale ayaanu kala simanahay.

 

 

 

 

Faa’iidooyinka iyo fadliga soonka

S

oonku marka hore waa cibaado ilaahay u gaar ah oo aanay cid kale la wadaagin, waxayna ka mid ahayd waxyaalaha ilaahay lagu caabudi jirey ka hor intii aan nebi Maxamed (NNKH) diinta islaamka lagu soo rogin, waayo waxa diinta islaamka lagu sheegay inay soomi jireen nebi Nuux, nebi Ibraahin, nebi Daa’uud, wuxuuna nebi Maxamed si gaar ah uga waramay soonkii nebi Daa’uud oo uu tilmaamay inuu maalina soomi jirey, maalina afuri jirey.

Nebi Maxamed (NNKH) waxa uu axaadiis badan oo aan halkan lagu soo koobi karin inoogu sheegay fadliga iyo faa’iidooyinka ay soonku dadka muslimiinta ah u leedahay, laakiin axaadiistaa waxa ka mid ah xadiiska uu soo weriyey saxaabiga la odhan jirey Abuu Hureyra, xadiiskaas oo leh “Ilaahay waxa uu yidhi qof kasta oo bini’aadan ahi camalkiisa isagaa iska leh soonka mooyaane, soonka anigaa iska leh, anigaana ka abaal mariya qofka sooma, soonku waa gaashaan, wuxuuna gaashaan ka yahay xumaan oo dhan, markaa mid idinka mid ahi hadii uu sooman yahay yaanu ku hadlin hadal xun, cidna yaanu gardaraysan, hadii isaga la soo gardaraystona ha ku yidhaahdo qofka soo gardaraystay anigu waan soomanahay, waxaana ku dhaartay ilaaha ay naftaydu gacantiisa ku jirto”, Waxa la yidhi qofka sooman afkiisa urta ka soo baxda iyo urta uurkiisa ka soo baxdaa way ka udgoon yihiin ilaahay agtiisa waxa ugu udgoon ee loo yaqaan urta Miskiga.

Qofka soomani waxa uu helaa ama leeyahay laba farxadood oo kala ah: Midi waa marka uu afurayo, midina waa marka uu ilaahay siiyo abaal-marintii soonka.

Runtii fadliga iyo faa’iidooyinka soonka laguma soo koobo karo hal maqaal iyo dhawr maqaal toona, laakiin bal aynu waxoogaa ka taataabano.

 
Soonka iyo taariikhdiisa

Soonka bisha Ramadaan waxa uu ilaahay muslimiinta ku faral yeelay oo uu ku waajibiyey  bishii Shabcaan ee sannadkii labaad ee Hijriyada, wuxuuna xiligaasi ahaa markii uu Nebi Maxamed (NNKH) laba sannadood joogay magaalada Madiina. Sidaa darteed 12 sannadood oo uu nebigu joogay Maka iyo hal sanno uu nebigu joogay Madiina oo ay diinta islaamkuna jirtey lama soomi jirin Ramadaan, laakiin intii ka horaysay waajibinta soonka bisha Ramadaan waxa la soomi jirey oo keliya maalinta tobnaad ee bisha Muxaram, maalintaas oo ah maalintii uu ilaahay nebi Muuse iyo muslimiintii raacday ka bad-baadiyey Fircoon iyo gaaladiisii.

Waajibnimada soonka waxa uu ilaahay inoogu cadeeyey quraankiisa Kariimka ah, waxaana aayadaha soonka ka waramaya ka mid ah aayadda 183aad ee Suuratul-Abaqra, macneheeduna yahay “Kuwa iimaanka laga helayow waxa laydinku faral yeelay  soonka, sidii loogu faral yeelay kuwii idinka horeeyey si aad uga dhigataan gaashaan, gaashaankaas oo idinka dhawraya xumaanta iyo cadaabta”. Sidoo kale Nebi Maxamed waxa uu axaadiistiisa inoogu cadeeyey waajibnimada bisha Ramadaan ee barakaysan, sidaa awgeed qofka diida inuu soonka bisha Ramadaan waajib yahay wuxuu ka dhigan yahay qofkii diintii islaamka ka baxay, waayo rukun ka mid ah diinta islaamka ayuu dafiray oo uu yidhi ma jiro.

 

Soonku yuu ku waajibay

Soonku waxa uu ku waajibay qof kasta oo muslin ah, isla markaana qaan-gaadh ah aan bukin, miyir qaba ama aan socdaal ku jirin, hadii ay dumar tahayna aan lahayn labada dhiig (Caadada & Umusha).

Qofka socdaalka ku jira ama qaba xanuun aan bogsi lahayn waxa loo fasaxay inuu afuro, laakiin labadan qof iyo gabadha dhiiggu ka reebay soonka waxa maalmaha soonku dhaafay lagu leeyahay qalle, shardina ma aha inuu qofka qallaynayaa xidhiidhiyo soonka qallaha ah. Hase yeeshee qofka qaba xanuun aan ka bogsi lahayn waxa loo baneeyey inuu iska cuno oo uu iska cabo, waxaase lagu waajibiyey inuu maalin kasta oo Ramadaan ka mid ah quudiyo qof miskiin ah.

Inkasta oo aanu soonku waajib ku ahayn caruurta aan qaan-gaadhka ahayn, hadana waxa laga rabaa waalidka muslinka ah inay caruurtooda faraan soonka, hadii uu ogyahay inay yihiin kuwo soomi karaya, arintaasina waxay ilmaha yar u suurta gelisaa inuu ku barbaaro soonka iyo cibaadada kaleba.

 

Adaabta iyo sunaha Soonka

Adaabta iyo sunayaasha laga rabo qofka sooman waxa ka mid ah:

1-Waa inuu habeenkii niyadda geliyo inuu berito soomayo, una soomayo ilaahay dartii, laakiin loogama baahna inuu kor ugu dhawaaqo.

2-Waa inuu suxuurto koob biyo ahna ha ahaatee, waayo Rasuulkeenu (NNKH) waxa uu yidhi “Suxuurta waxa ku jirta barako”.

3-Qofka soomani marka uu afurayo waa inuu afurka dedejiyo marka uu ogaado inay cadceedii dhacday.

4- Qofka soomani marka uu afurayo waa inuu ducaysto, waayo soonku waxay ka mid tahay markhaatiyada uu ilaahay ducada u aqbalo.

5- Qofka soomani waa inuu iska ilaaliyo wax kasta oo soonkiisa wax u dhimaya, sida: Cayda, Xanta, Beenta,  maagga gardarada ah IWM.

6-     Qofka soomani waa inuu ku dedaalo quraan akhriska iyo samaynta camallada kale ee wanaagsan, waayo camalka wanaagsan ee la sameeyo bisha Ramadaan ajarkiisu waa laban-laab, waxaana wanaagsan inuu qofku ugu yaraan bisha Ramadaan hal qof afuriyo waa hadii uu kari karo, maxaa yeelay qofka qof kale afuriyaa waxa uu ka helayaa ajar fara badan.. La soco qaybo kale oo ka hadlaya fadliga iyo faa’iidooyinka bisha Ramadaan.

 

Kacaankii dhergiga

Taliye NO: 8:

Q

. 2aad ee sheekadiisa, wuxuuna ku bilaabay:
”Xafiiska golaha dhergiga markii loo soo raray xarunta golaha wakiilada, isaga oo awel ku yaalay xarunta madaxtooyada, waxa madaxtooyadii ku hadhay oo wada deganaa gudoomiyaha iyo ilaaladiisa oo qudha, laakiin Mingistu waxa uu ahaa nin aan danayn sugidda amaankiisa, waayo maalin qudha maan arag isaga oo ka werwersan ama ka cabanaya habka ay u shaqeeyaan ilaaladiisa dhinaca amaanku.

Waxa jirey ka soo baxa xarunta golaha wakiilada oo toos u gala madaxtooyada, sidaa darteed marmar ayuu Mingistu u soo lugayn jirey xarunta golaha wakiilada, sagaalka iyo ilaa sagaalka iyo badhka ayuuna xafiiskiisa soo geli jirey, marmarba wuuba ka soo horayn jirey, wuxuuna ahaa nin aadu ixtiraama shaqadiisa, isla markaana muu ahayn nin hawl-hawliya. Laakiin waxa jirtey marmar uu cadhoodo oo uu aad u qaylin jirey, isla markaana uu wejigiisu isbedeli jirey, waxa uu ku hadlayaana qiyaas may lahayn jirin, waxaana maalin maalmaha ka mid ah maqlayey isaga oo nin sarkaal ah ku leh “Beenaale”. Tusaale ahaan marka uu shirka ku jiro hadii ay nimanka shir kula jira hadaladoodu qancin waayaan, isla markaana ay dhaafto mudadii uu u dulqaadan karayey inta uu shaadhkiisa xidho ayuu iskaga tegi jirey, wuxuuna hal hays u lahaa ama odhan jirey “Waan ka caajisay shirka, waayo been baa jirta”.

Qofka gudoomiyaha borotokoolka ama afhayeenka u ah Mingistu mar walba waxa uu boorsadiisa ku sidan jirey qalimo dheeraad ah, waayo qoraalka shirka ayaa had iyo goor badnaan jirey, laakiin gabadh gudoomiyaha borotokoolka u ahaan jirtey waxay ahayd qof aad u taqaan dhegaysiga Mingistu, waxayna ahayd qof aad u xusuus badan, waayo qof kastaaba waxa uu shirka kaga hadlo iyadoo aan dhibic qudha ka tegin ayey hadhow wada sheegi jirtey.

Gabadhaa afhayeenka ahi waxay ahayd mid yar, laakiin aad u karti  badan, tusaale marka uu Mingistu qaabilayo ama la hadlayo wufuudda waxay samayn jirtey qoraal ku saabsan waxa lagu hadlay iyadoo aanu erey qudhi dhaafayn, waxayna awood u lahayd inay wada qorto wax alaale wixii lagu hadlay oo aanu erey qudhi ka maqnayn. Waxa kale oo gabadhaasi awood u lahayd inay sida ay doonto u akhrido farta gudoomiyaha (Mingistu) oo ahayd mid aad u xun.

Waxa maqlay dad leh gabadhaasi waxay Mingistu la lahayd xidhiidh gaar ah oo aan ahayn ka shaqada, laakiin anigu wax calaamad ah ama raad ah oo aan is idhaahdo gabadhaasi Mingistu xidhiidh gaar ah ayey la leedahay kuma aan arag.

Xaaska gudoomiyaha (Mingistu) oo magaceedu ahaa Waysaro Wubaanshi Bishaw waxay ahayd qof degan, isla markaana dabeecad wanaagsan.

Marka uu gudoomiyahu (Mingistu) booqasho ku tegayo dal ama dalal ka mid ah dunida hantiwadaagga ama marar uu booqanayo meelo muhim ah oo dalka gudihiisa ah ayaa laga yaabaa inuu marwadiisa kaxaysto, laakiin inta badan waxay ahayd qof aan debedaha lagu arag, waxaana la arki jirey oo qudha maalinta 8 March ee maalinta xuska haweenka adduunka oo ay ka soo qayb geli jirtay xafladda maalintaa lagu xusayo, sidaa darteed may jeclayn inay tagto shirarka iyo meelaha buuqa ah, isla markaana may qaban jirin waxaanu raali ka ahayn odaygeedu (Mingistu).

Wararka sheegaya inay boqorkii geeriyooday Xayle Salaase Eydiisii qaadatay xaaska Mingistu, waa been, waayo Marwadu Ey-yad yar oo qudha ayey lahayd, mana ay jirin Ey kale oo guriga u joogtay, inta badan Marwo Waysaro Wubaanji waxay joogi jirtey gurigeeda, waxaana guriga ugu iman jirey macalin wax bari jirey, hawshaa intaa dhaafsiisan ee ay qaban jirteyna waxay ahayd caruurteeda oo ay kool-kooliso. Hase yeeshee dhinac kale marka laga eego waxay naag hawl-kar ah oo aanay jirin naag hiigsan kartaa, tusaale ahaan mararka ay odaygeeda martidu ugu timaado dalalka debedaha sida Kuubba iyo midowga Sofiyeti inta ay doonaan ha le’ekaadeene iyadaa cuntooyinka casuumadaha u samayn jirtey, cidkasta oo Ajnebi ahna way taqaanay cuntada loo samaynayo nooca ay tahay,.

Mingistu raggii la shaqayn jirey marka laga reebo midhadh yar tixgelinta uu siiyaa waxay ahayd mid aad u yar, laakiin raggu uu tixgelinta badan siin jirey waxa ka mid ahaa Janaraal Amaane, Mr. Takaa Tulu, janaraal Taye Dilaahum iyo xubno kale ayey ahaayeen. Tusaale ahaan Janaraal Taye waxa uu mar ahaa wasiirka gaashaandhigga, laakiin markii dambe ayuu Mingistu ka dhigay safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Sweden, sababta halkaa loo geeyeyna waxay ahayd waxa uu ahaa nin dhinaca diinta aad ugu fog, isla markaana kuma uu jirin golaha dhergiga sidaa darteed waxa jeclaaday dawladda Sweden, waxaana jagadii wasaaradda gaashaan-dhigga  ee Taye laga bedelay loo dhiibay janaraal Tasfaaye Gabrakidan.

Janaraal Tasfaaye Garakidaan iyo Gaashaanle Damaqe Banjaw waxay labadoodaba Mingistu isku yaqaaneen gobolka Herer, wayna isu dhowaayeen.

Mangistu Gamaju, Yuhanis Afawrge iyo Col. Makoonin oo ka mid ahaa raggii ay Mingistu isku dhowaayeen waxay ku dhinteen markii ay ciidamada Yahaadhidu soo galeen Adis-ababa, iyaga oo markaa haystay ciidamada amaanka ee Adis-ababa fadhiyey.. La soco cadadka dambe.

 

 

Raadyow ma qaloocshe

H

alkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydun maanta ka dhegaysan doontaan labada sanduuq ee HAA iyo MAYA iyo hirarka ee qofka aad doorran lahaydeen.

Waxa kale oo aad nagala soo xidhiidhi kartaan W. W. W. doorasho la kordhabey, Habaryuu, Habaryuu raadyow ma qaloocshe Qa’ buf. Iminkana waxaad ku soo durugtaan barnaamijkii la magac baxay Food Caashaq, waxaana idiin rog-rogi doonta Fanax Kaan-dhidhayt .

Dhirin.. dhiririn. Dhararaa..dhararaa, waa barnaamijkeenii E.C, maantana waxaynu ku soo qaadan doonaa bal halka aynu kaga hagaagayno caashaqa foodka.

Sida ay raggii sameeyey sheegeen doorashadu waa ii cug iyo circa, hebelkayga dhogorta leh iyo Anigana heblaayadayda coofka leh, taas oo iminka laga dhigay Cugtaye xisbigayga dabagaalaha leh iyo xisbigayga xinnaystay iyo xisbigayga Kidhliga leh iyo xisbigayga Uunsiga len iyo Kayga buuriga leh iyo ka Badeecadda leh, laakiin marka horeba waxa loo baahan yahay inuu xisbi waliba bal-wadiisa boodh weyn u yeesho, doorashadana waxa geli kara dadka yar yar ee hooyadayna ka weyn tahay.

Dookha foodka waxa lagu ridayaan xeedho, waxaana lagu Fandhaal warqad ah, waxaana cunto looga dhigayaa xisbiyada gaajoonaya, guddiga caashaqa Qaranka ayaan kabadhyeeri ka noqon doona sida uu qirayo qaanuunka dookha caashaqa doorashadu, kuwaas oo ay doqoniino u noqonayso inaanay caashaq- caashaq kale ku daraan.

Hadii rabbi xukmayooy shan iyo tobanka bisha dirir Samaale waxay ilma shanka roon dhagac ku siin doonaan  dookh qabsiga quraaca dawladaha hoose, marka ay taa ku kala hagaagaana waxay mar kale gacanta gelin doonaan ta gudhanayaasha dhexe, ka dibna waxa hadhimo shaadhadhka loola bixi doonaa cugashada caashaqa dhakobuurka, waxaana koodhkaa xidhan doona xisbiga ugu calool-weynaada..

Ururada ceelka foodka ku soo aroorayaa wax hel iyo wax waaba waa inay ku Iimaan qabaan ileyn qaadka nooma ay qaadine oo xoolo ay leeyihiin maanu heynine yaanay dhegaha nagaga qaylin, dadka wax doonayana looma baahna inay qayilaan maalinta foodka ka horaysa maxaa yeelay codadka ayaa ka qaadiroobaya, ta kale looma baahna inay dookhooda qabyaalad ku iidaamaan maxaa yeelay way ka dhooqoobaysaa, ee waxa loo baahan yahay inay arinkooda ku iidaamaan.

Dhegaystayaashayda yara fajacsanow iminkana waxaad ku soo dhowaataan maah-maahyada ku soo arooray dhinaca Intikhaabaadka inta aan ka maqlay, waana tan Asli oo idiin dudubisaa .

Somalidu waxay ku maahmaahi jirtey:

1-     Musharaxaaga iyo Minjintaadaba waa la naqaystaa.

2-     Dalkaaga cod loo ritaa, reer degayna tis baa loo ritaa.

3-     Cod waxaad ku waydo cudud kuma heshid.

4-     Arintaad maanta qurxisaa waa faankaaga berito, hadii ay kaa xumaatana waa caydaada berito.

5-     Xisbigaaga iyo faraskaagaba waa la faaniyaa.

6-     Nin qabyaalad ku dhergay doorasho qaran wuu ku qadaa.

7-     Canbaro nin habeen ah iyo nin halyey ah way kala taqaan.

8-     Doorasho Eex laguma daro, dumaalna hadimo laguma daro.

9-     Guddi Eexatay iyo guur sokeeye midna guul daro kama fogaado.

10-Hargeysa musharaxnimaa lagaga dhergay, Muqdishona mooryaan baa lagaga dhergay.

11- Beelo ku ciyaar xisbi ku ciyaar baa dhaanta.

12- Islaam-nimo alle ka cabsi bay u baahan tahay, doorashana urur bay u baahan tahay.

= Ingiriiskuna wuxuu ku maahmaahaa: The election is need  Indhifijiwal, if haas not it Came an Other things.

= Carabta waaweynina waxay ku maahmaahdaa:

Idaa fasaqa Intikhaabaad fasaqa Ardul Somal.

=Xabashiduna waxay ku maahmaahdaa:  Nagar busuu elekshan Amda andhi raasu tiniq.

 

Iminkana ogaysiis gaaban

Shirkadda shiile dahab kembeni limidhi waxay kuugu bushaaraynaysaa inay codadka dadka qurbajoogga ah kuu soo xawili doonto.

Codka buuranna qiimaha laga qaadayaa waa  shan bersan, codka dhuubana waa saddex bersan. Macal aasif dadka ku kala nool dunida gidaaradeeda hadii ay wax codad ah u soo xawiliyaan caashaqa doorashada hala soo xidhiidhaan Xafiisyada ay dunida gidaaradeeda ku leedahay shirkadda shiile dahab biridhi gidhiidh ilaa Yur-oode ban-cawl.

=Dadyohow waan idinka kala joojin lahaaye eegana waxay calooshu ila xanuuntay bahal xusuus gabay ah oo kal hore bishaa bisheedii markii u horaysay ee uu Haatuf idinku dhawaaqay aan idinku hirgisay, waana kan, gabaygii oo uu tarabkiisa idin huluuqsiin doono Cateeye Balas.

Krdi iyo Afgaanistaaniyiin, Kuuriyiyo Taywan.

Kaamboodiyiin iyo Hindoo, kuman Jabaaniis ah.

Toban Kenediyiin ah, Dhaj iyo noocyo kala kaan ah.

Kabiila iyo qoloduu xukumo, Koongo gudaheeda.

Kuukuuyo iyo Kiiniyaan, odayo kaanuuya.

Keebtawn nimanka dega iyo ilaa Kooban iyo heegan.

Kabajii kuruug wada kab-kaba, Kuuba iyo Ruushan.

Kaasabalanga qaar jooga iyo kolonyo reer shaam ah.

Reer kolombiyiyo, Seerbiyiyo Koosofiyo Taylan.

Kaamboodiyiyo Kinshaashiyo kuwii tegayey kaakuuma.

Kaargoogu qaar uu sidoo kooska lagu yaacshay.

Dar kartuumo lagu keenay iyo kiishash iyo Haamo.

Kobojaa Kaneeciyo Kutaan ama Kulaambeeyo.

Kabtiwiile Gorayiyo Biciid Koronkor yaacaaya.

Kaluumaysatiyo doonyaleey kiro la soo siiyey.

Kabaalo xunta igu ururtay iyo Kabo-nacaaleyda.

Kun qoloo is galay oo ka badan kaynta iyo doogga.

Kufri iyo islaam uumiyahan laygu keliyeeyey.

Saw kabriid inaan subax ku qaban kaafka kuma taallo.

 

 

 

 

Asxaabul Fiil

W

axyaalihii waaweynaa oo dhacay sanadkii 570, oo Nabi Muxammad SCW dhashay, waxaa ka mid ahaa inuu Abraha Al Ashram, oo ahaa Boqorka Yaman, uu usoo kacay Makkah, asagoo doonahaya inuu Kacbada dumiyo. Siday arrintu u dhacday, oo koobanna, waa tan:

Xabashi ayaa qabsatay dhulka Yaman, oo taladii kala wareegtay boqortooyadii reer Yamaneed ee Ximyar, oo dalkaas ka talin jirtay. Markay boqortooyadii u wareegtay Boqorkii xabashida ahaa oo la oran jiray Abraha bin Assabaax Al Ashram (Al Ashram waxaa weeye macneheedu: midkii wajigiisu kala dhanbalnaa, ayadoo waran lagu dhuftay uu wajiga kala jeexay), wuxuu Sanca, caasimadda Yaman, ka dhisay kaniisad weynin badan, oo mid la mid ah aan zamankaas la arag, magaceeduna ahaa Al Qulays, uuna ku dhisay dhagax marmar ah oo cad, qori adag iyo dahab.

Ujeedadiisu waxay ahayd inuu carabta ka leexiyo inay Makkah u xajiyaan, oo ay kaniisaddaas usoo xajjiyaan. Markii ay carabtii akhbaarta ujeedadiisu gaartay, waxaa carooday nin ka mid ah Annasaa'ah, kana mid ahaa Banii Fuqaym bin Cadiy ibn Caamir bin Thaclabah bin Al Xaarith bin Maalik bin Kanaanah bin Khuzaymah bin Mudrikah bin Ilayaas bin Mudar. Annasaa'ah, waxaa weeye kuwii bilaha afarta ah ee xurmada leh, oo ah Sidataal, Arrafo. Zako iyo Rajab, inta xurmada ka qaada, dib u dhigi jiray, oo aan ku soo sheegnay "Bilaha Xurmada leh". Dadka sidaas samayn jiray, oo bilaha xurmada leh dib u dhigi jiray, ayaa waxaa la oran jiray Nasaa'ah.

Marka ninka ujeedada Abraha ka carooday wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey oo bilaha xurmada leh dib u dhiga, carabta dhexdeeda: bishii uu xalaaleeyo way xalaaleysan jireen, bishii uu xaaraantimeeyana waxay ka dhigi jireen xaaraan. Ninkaas magaciisu wuxuu ahaa Xuthaifah bin Cabdullaahi bin Faqiim. Koofaartiisuna waxay ahayd Al Qalammas. Markuu carooday, ninkii Kanaaniga ahaa, wuu soo baxay oo wuxuu yimid kanisaddi weyneyd, markaas ayuu, habeennimadii, dhexdeeda ku saxarooday, oo ku xajo gutay. Kaddibna Sanca wuuba ka dhoofay, wuxuuna aaday dhulka dadkiisu dego, oo ahaa aagga dhulka Makkah.

Carabtu, waqtigii jaahiliga, markay dhammeysato gudashada Xajkooda, waxay ku shiri jireen Al Qalammas agtiisa, markaas ayuu xaaraantimayn jiray afarta bilood oo xurmada leh: Rajab, Thul Qacdah, Thul Xajjah iyo Muxarram. Markaas ayuu haddii uu doono inuu bil ka mid ah xalaaleeyo, wuu xalaaleyn jiray. Tusaale ahaan wuxuu xalaaleyn jiray bisha Muxarram, markaas ayay dagaal iyo is dilid dhexdeeda ku xalaaleysan jireen. Xurmadii ay Muxarram lahayd ayuu wuxuu siin jiray, oo ay xurmeyn jireen, bisha Safar. Markii Boqorkii Abraha loo sheegay waxa uu Xuthayfah falay, wuu carooday, wuxuuna ku dhaartay, inuu aadi doono Kacbada, oo ahayd meesha Xuthaifah iyo carabtu u xajjiyaan, si uu usoo dumiyo. Sanadkaas ayaa lagu magacaabay sanadkii maroodiga.

Abraha wuxuu soo aaday Makkah, asagoo doonaya inuu Kacbada dumiyo. Intuu u sii socday, carabtii ka hor timid oo dhan wuu ka adkaaday. Markuu Dhaaif tegey, ayuu wuxuu Makkah u diray nin xabashi ah oo la oran jiray Al Aswad bin Maqsuud, markaasuu soo dhacay, oo soo kaxaystay xoolihii ay reer Makkah lahaayeen, ayna ka mid ahaayeen 200 halaad oo geel ah, oo uu lahaa Cabdul Mudhalib bin Haashim, awoowihii Nabi Muxammad SCW. Al Aswad wuxuu xoolahaas uu soo dhacay u geeyey Boqorkii Abraha. Abraha wuxuu hadana Makkah u diray nin la oran jiray Xunaadhah Al Ximyari, wuxuuna amray inuu soo ogaado dadka deggan Makkah qofka ugu sharaf badan, hoggaankooda iyo taladoodaba haya, uuna u sheego inuusan Abraha u imaanin la dagaallankooda, balse uu u yimid inuu Kacbada dumiyo. Xunaadhah markuu Makkah yimid, oo dadkii waraystay, waxaa loo sheegay in uu reer Makkah u madax yahay Cabdul Mudhalib bin Haashim. Markaas ayuu fartiintii uu ka siday boqor Abraha u sheegay. Markaas ayaa Cabdul Mudhalib wuxuu ninkaas ku yiri: "Wallaahi annagu ma dooneynno la daggaallankiisa, xoog aan isaga celinnana ma lihin. Gurigaan waa Baytkii Ilaahay iyo Guriga Nebigiisii Ibraahim. Hadduu ka ceshadana, waa Gurigiisii iyo Xaramkiisii; haddusan ka celinna, annagu xoog aan uga celinno ma lihin".

Markaas Cabdul Mudhalib wuxuu raacay ninkaas Xunaadha la oran jiray, asagoo doonaya inuu Boqorka la kulmo. Markay tageen meeshii uu Boqorku joogay, Abrahana loo sheegay in Cabdul Mudhalib yahay madaxa reer Makkah, uuna doonayo inuu la kulmo, wuu oggolaaday inuu qaabilo, oo la kulmo. Markii uu Abraha arkay Cabdul Mudhalib iyo haybaddiisa, wuu weyneeyey, wuuna ka karaameeyey inuu hoostiisa fariisiyo, asaguna carshiga ku fadhiyo. Haddii uu carshiga ku soo fariisiyana, wuxuu kahday inay xabashidu aragto asagoo kula fadhiya sariirtii Boqortooyada. Markaas ayuu asagiina inta carshiga ka soo degay, kadiifad u fidsaneyd ku fariisiyay, asaguna kula fariistay, oo dhiniciisa fariisiyey. Kaddibna waxaa Abaraha yiri: "Waa maxay muraadkaagu?" Cabdul Mudhalib wuxuu u sheegay in 200 halaad oo geel ah laga soo dhacay oo laga soo qaatay, geelaasna uu doonahayo in loo soo celiyo. Markaas ayaa Abraha ku yiri: "Markaan ku arkay waan kuu bogay, markaad hadashayse waan kaa kaaftoomay. Ma waxaad igala hadleysaa 200 halaad oo geel oo aan kaa soo dhacay, kana hadli maysid Guri ah diintaada iyo diintii awoowayaalkaa, oo aan u imid inaan dumiyo?" Cabdul Mudhalib wuxuu ugu jawaabay: "Anigu geela ayaan leeyahay, Guriguna Ilaah kaa celiyah ayuu leeyahay". Abraha wuxuu Cabdul Mudhalib u celiyay geeliisii, markaasuu Makkah ku noqday.

Markuu Cabdul Mudhalib Makkah ku noqday, Qureysh ayuu akhbaartii gaarsiiyay, wuxuuna ku amray inay Makkah ka baxaan, oo ay galaan oo isku ilaaliyaan godadka ku yaal buureheeda, cabsi ay ka qabaan askarta Abraha daraadeed, askaartaas oo Qureysh oo dhan ka badnayd. Markii Qureysh ay Makkah ka baxday, ayaa Cabdul Mudhalib wuxu tegey Kacbada, oo inta irriddeeda qabsaday, ayna wehliyaan dad kale oo Qureysh ah, ayuu Alle baryay, ayna ka gargaar dalbeen, iyo inuu ayaga guul ka siiyo Abraha iyo askartiisa.

Cabdul Mudhalib asagoo irridda Kacbada ku dheggan ayuu wuxuu yiri: "Ilaahayow, addoomanku ayaga ayaa guryohooda ilaashanaya, Adiguna Guryahaaga ilaasho. Berri yeeyan kirishtadoodu iyo xoogoodu ka adkaan Adiga xooggaaga. Haddii aad u deyneysid inay qaataan Qibladeenna, sidaad doonto yeel". Makii uu Abraha isku diyaariyay inuu Kakkah galo, uuna diyaariyay maroodiyaalkiisa kii ugu weynaa inta kalena hormuud u ahaa, oo Maxamuud la oran jiray, ayna istaageen oo u xoog urursadeen inay Kacbada dumiyaan, ayaa mar kasta oo ay maroodiga dhanka Makkah u jeediyaan wuu fariistaa, meeshiisana kama dhaqaaqo. Haddii ay u jeediyaan jihooyinka kale oo idilna, intuu istaago, ayuuba orodna ku daraa. Waxaa la yiri tirada maroodiga meeshaas joogtay oo uu ciidankaasu watay, waxay ahaayeen 13 maroodi. Intay xaaladdoodu sidaas ahayd, ayaa Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, wuxuu korkooda u soo diray shimbiro kooxo kooxo ah, oo xagga badda uga yimid.

Shimbirahaas waxay u ekaayeen shimiraha afka carabiga lagu yiraahdo Khadaadiif, afka ingiriiskana Swallow, oo aan muddo dheer dhulka fadhiyin, oo markay lugaha dhulka dhigato haddana hore uga kaca. Shimbir walba waxay sidday saddex dhagax: mid ay afka ku siddo iyo labo ay labada lugood ku kala siddo. Dhagaxdaas, waxaa la yiri, waxay le'ekaayeen miraha bariiska. Markaas ayey dhagaxdaas ku soo tuureen Askartii Abraha, qofkay ku dhacaanna uu dhimanahayo. Dhagaxdu askartii oo dhan kuma wada dhicin. Markaas kaddib ayaa Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, wuxuu u soo diray daad, kaasoo inta qaaday badda ku tuuray. Intii ciidankaas ka fakatay, oo ayan dhagaxdu ku dhicin, oo Abraha ka mid ahaa, Yaman ayay u carareen, ayagoo degdegaya. Abraha waxaa ku dhacay in xubnihii jirkiisa hadba intay mid iska go'do, ay ka dhacdo. Asagoo hadba sidaas xubin uga go'ayso, oo ay uga dhacayso, ayay soo wadeen, ilaa ay Sanca ka yimaadaan. Abraha wuxuu Sanca gaaray asagoo u ekaaday shimbir baalashii lag agooyay, oo addimadii ay ka go'een. Intuusan dhiman, xabadkii ayaa inta dillaacay, wadnihii kasoo baxay. Waxaa la yiri in sanadkaasu uu ahaa markii ugu horreysey oo dalka carabta lagu arko labada cudur oo la kala yiraahdo furuq, oo afka ingiriiska lagu yiraahdo small pox, iyo jadeeco, oo afka ingiriiska lagu yiraahdo measles.

Abraha markuu dhintay, waxaa boqornimadii dhaxlay wiilkiisii magaciisu aha Aksuum, markuu sandku ahaa 571. Dhacdadaas qiimaha weyn oo ay lahayd waxaa ku tusinaya inay carabtu taariikh tirsi ka dhigatay. Haddii Abraha uu Qureysh ka adkaan lahaa, uuna Kacbada dumin lahaa, diinta kiristaanka ayaa Makkah geli lahayd, carabna waxaa lagu khasbi lahaa inay kiristaan ka diin yeeshaan. Sababtu waxaa weeye in ay Yaman xukumeen Boqorro Xabashi ah oo kiristaan ah, oo sidaas ayaa dad badan oo reer Yaman ah loogu khasbay inay kiristaan noqdaan, markoodi hore ha ahaadaan kuwaa asnaamta caabuda, ama yuhuudba ha ahaadaane.

Sanadkaas maroodiga hortiis, waxay Qureysh ka taariikh tirsan jirtay markuu dhintay Qusayy bin Kilaab, taasoo lafteedu muujineysa siduu ninkaasu agtooda uga weynaa. Markii ay dhacdadii sanadka maroodigu dhacdayna, waxay sano iyo taariikh tirsi ka bilaabeen sanadkaas. Dhacdadaas maroodigu waxay ku xusantahay Quraanka Kariimka ah, Suuratul Fiif:

Bismillaahi Arraxmaani Arraxiimi

"Alam tara kayfa facala rabbuka bi asxaabil fiili (1) Alam yajcal kaydahum fii tadliilin (2) Wa arsala calayhim dayran abaabiila (3) Tarmiihim bi xijaaratin min sijjiilin (4) Fa jacalahum ka casfin ma'kuulin".

Suuraddaan Kariimka macneheedu waxaa weeye:

"Ma ogtahay sida Eebe ku falay asaxaabtii maroodiga "Colkii" (1) miyaan Eebe ka yeelin dhagartoodii wax lumay (2) oosan ku dirin korkooda shimbiro kooxa ah (3) Kuna tuuraysa dhagaxyo la kululeeyay (4) Markaas Eebe ka yeelay bal la daaqay sidiis (5)".

 

Sheeko Q: 4aad

M

arkii  ay Gaas u geeyeen raashinkii iyo alaabooyinkii ay ugu dhiibtay Ruun Saddexle ayuu inankii gaadhiga waday weydiiyay Gaas in ay wax farina oo kale u soo dhiibtay Ruun iyo inkale, waxaanu dirawalkii gaadhigu u sheegay in aanay wax farina oo dheer alaabta u geeya aanay uga sidin, sidaa ayaanu Gaas ula degay alaabtii, Gaas wuxuu rajaynayaa in ay walaashii Ruun war dheeraaada uga soo dirto arrinta Bilan, sababtaas ayaanu u waraysanayay gaadhiga raashinka u siday. Baxnaan Baashe isagoo ay taladiisu tahay inuu u ambabaxo reerkoodii ka dibna uu beegsado Bilan reerkooda gaar ahaana Aabaheed Gaas ka dib marka ay Baxnaan wada tashadaan aabihii Baashe, ayuu maalintii dambe arrintiisa uga yara sheekeeyay nin ay aqoon isku lahaayeen oo la yidhaa Heebaan Salal, Baxnaan wuxuu u taabtay habeen in ay Bilan ogoshahay, laakiin uu ka shaki qabo laba dhinac, oo kala ah Gaas oo Bilan aabeheed ab inuu ku xidho xoolo badan. Arrinta labaadna ay tahay Baxnaan aabihii Baashe oo isna aad u faro adag oo Baxnaan ka shikisanyahay inaanu diyaarba u ahayn inuu Baxnaan guursado.

Heebaan talo kale ayuu ku kordhiyay Baxnaan waxaanu yidhi “waar haddii ay inantu ku ogoshahay, arrimaha kaloo dhan iska laab halkaa ayaanu maraynaa oo waxaynu ku soo meherinaynaa Aw-Barkhadle, ka dibna waxay noqonaysaa naagtaadii oo wixii awoodaada ah ayaad duco ahaan u bixin doontaa”

Baxnaan in qadara ayuu dhulka xarxariiqay waxaanu si fudud u rumaysan waayay in arrintu ay u fududahay sidaa uu Heebaan u fududeeyay, waxaa uu yidhi “waar markii hore ambabax ayaan islahaa Heebaanow laakiin waan oolayaa, arrintana waan ka soo fikirayaa, beritana galinka hore waa inoo halkan.

Bilan hadda sidii hore kama aha Hargeysa ee way kala baratay meelaha qaarna waxay tagtaa iyadoon cidi la socon mararka qaarna iyadaa suuqa u tagta xaafada Eedadeed Ruun ee ay joogto. Bilan waxay laabta ka jeceshahay in maalin uun ka soo horbaxo Baxnaan, tan iyo intii ay Bilan ka dhegaysatay, Baxnaan oo heeso ay ku jirto oo uu ku xusayo magaceeda waxay u haysay Baxnaan kalgacayl aad u weyn, waxaanay diyaar u tahay in ay gar iyo gardaraba la dhinac noqoto Baxnaan dhinaca guurka hadii uu Baxnaan u soo bandhigo, Bilan marka ay u baxdo magaalada gudaheeda aad ayay indhaheedu u shaqayn jireen iyadoo eegaysa bal in ay indhaheedu la kulmaan muuqa baxnaa, Bilan waxay dhegta u dhigtay edadeed iyo Geedi Golroone oo ka sheekaysanaya kulankii dhexmaray geed iyo Baxnaan, laakiin dhaqanka ay ku kortay Bilan suurto gal ma aha inay tidhaa Geediyow I tus Baxnaan, haddiise uu ahaan lahaa ninkeeda dhib may lahaateen oo way odhan kari lahayd I tus Baxnaan Geediyow.

Inkasta oo Ruun Saddexle markay ay Bilan kala hadlaysay arrimaheeda ay u mala awaashay sheeko odhanaya Baxnaan ayaa yimid guriga ay joogto Bilan, haddana warkaasi wuxuu ahaa mid ay ku laab baadhaysay Ruun inanta ay ededa u tahay, xaqaa’iqduse waxay tahay inkastoo ay Hargeysa wada joogaan haddana Baxnaan muu arag guriga ay joogto Bilan, Bilan qudheedu may arag halka uu Baxnaan kaga noolyahay Hargeysa, xataa sidoodaba iskumay arag Hargeysa.

Baxnaan Baashe arrinta kale ee carqalada ku ah in uu dib ugu noqdo reerkoodu waxay tahay taladii uu kaga soo ambabaxay reerkooda oo ahayd xoogsi tag, waxaana Baxnaan sahay ahaan loo soo siiyay dhawr neef oo adhiya si uu uga dhigto  jeeb ama uu nooli uga dhigto meesha uu u xoogsi-safrayo sababtan dambe ayaa ka dhigtay taladii uu Heebaan u soo jeediyay Baxnaan arrinta ugu macquul si ay wax uga fulaan Baxnaan.

Halkii balanku ahaa ayay isugu yimaadeen Heebaan iyo Baxnaan waxaana meesha ka soo baxday in Baxnaan qaatay taladii uu u soo jeediyay Heebaan, intaa ka dib waxaa Baxnaan loo xilsaaray in uu u soo helo halka ay degantahay Bilan, ka dibna uu ku soo duduuco inay isguursigooda u maraan dariiqa aan shuruudo lahayn oo ay is ay masaafaystaan,. Markuu intaa ka soo dhalaalo ayuu Heebaan u hor kici doonaa dhinaca aw-barkhadle. Baxnaan wuxuu aad xooga u saaray sidii uu u heli lahaa guriga ay degantahay Bilan waxaanu xusuustay in Geedi Golroone uu seexdo guriga ay Bilan joogto. Waxaase uu Baxnaan ogyahay in Geedi ay arrin ku kala tageen arrin ka duwan tan uu ku dhaliyay Heebaan, arrintaa ayaana carqalad ku ah in Baxnaan si toosa Geedi ugu raaco guriga Bilan joogto, hase yeeshee Baxnaan wuxuu goostay inuu xiliga caraabaha u dabagalo Geedi oo aan dareensanayn Sidaana uu ku arko guriga ay joogto Bilan oo ah muraadka ugu weyn ee ku jira maskaxda Baxnaan, sidii uu u qorshaystay ayaa u suurto gashay Baxnaan waanu arkay gurigii ay joogtay Bilan, dhawr maalmood markii uu Baxnaan ku agmeerayay guriga ay joogto Bilan ayuu maalintii dambe helay fursadii uu doonayay waxaana gurigii Ruun Saddexle ka soo baxday Bilan oo sidata salad ay suuqa ku tagaysay, Baxnaan markiiba lamuu hadal ee waxaa uu sheeda kala socday kolba halka ay maraysay Bilan, markii uu hubsaday in ay gurigii ka soo fogaatay ayuu talaabada hoos ka xaday markii uu u dhawaaday ayuu yidhi “Bilan, Bilan, Bilan,” Bilan ayaa jaleecday dhinicii uu kaga yimid codkii, magac-dhabay, waxaanay aragtay Baxnaan, Bilan markii ay ka bogatay in uu yahay Baxnaan ayay indhaha ku hayn kari weyday farxad daraadeed, laakiin aad umay muujin arrintaa ee si asluub ku dheehantahay ayay u tidhi “nabad Baxnaan” Baxnaan si degdega ayuu ugu gudbiyay ujeedadiisii Bilan, is adkayn waxoogaya ka dib Bilan waxay la balantay 2 habeen ka dib in uu fiidnimada u diyaar garoobo oo ay raaci doonto, ogolaanshaha Bilan ee arrintii uu ula tagay Baxnaan waxay ahayd dawo ku qaali ah laabta Baxnaan oo la basteed ah jacaylka Bilan. Baxnaan ka soo dhalaal dhinicii Bilan waxaanu dib ugu noqday Heebaan oo uu ku wargeliyay in balantu tahay 2ba habeen ka dib.

Baxnaan intuu uu magaalada joogay waxaa uu aad uga xanaaqay markii ay inani ku tidhi ereyadan “ninkaagan labada qayd xidhani ee reer miyiga ahi, dhinaca nooga baydh”  Baxnaan wuxuu isu keeni waayay sida uu isagu ugu hanka weynyahay dhaqankaa labada go’ ee hugii hidaha iyo dhaqan u ahaa geyigan, iyo sida ay inantaas u dhalatay u dhaliishay, Baxnaan jawaab heesa ayuu arrintaa ka sameeyay waxanu kaga luuqeeyay kulan ciyaareed oo uu habeen kaga qayb galay Hargeysa waxaana ka mid ahaa erayada heestiisa “dhaqan baynu lahayn, dhalashaynu leenahay, dhayalsi waa ka dheeryahay markuu doob dhumuc u dhashay markuu dhab u aamino huga dhaqankee, ana waxaa ila dhadhan leh, inan laanta dhererka dhabi baxay la moodoo, dhacle iyo xidhan labaqayd dhaqaaleynta xoolihiyo, dhab u taqaan dhulkeeda hooyo”

La soco …………….

 

Baarlamaanka Ciraaq Oo Yeeshay Kulan Degdega ah

B

aqdaad (W. Wararka) Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa shalay yeeshay kulan degdeg ah oo ay ka leeyihiin qaraarkii ka soo baxay golaha amaanka ee lam: 1441 ee ku saabsanaa hub ka dhigista dalka Ciraaq, kaasoo u qabtay dalka Ciraaq ilaa maalinta jimcaha ah inay ku fuliso go’aanada ka soo baxay Golaha amaanka.

Gudoomiyaha baarlamaanka Ciraaq Sacduun Xamaada ayaa go’aankaasi ku tilmaamay mid dulmi ku salaysan oo meel kaga dhacay karaamada iyo sharafta dadka reer Ciraaq sidaa darteedna loo baahanyahay in laga hortago si loo difaaco qaranimada Ciraaq waxaanu sidaa ka sheegay khudbadiisii furitaanka ahayd ee uu ka jeediyay shirka baarlamaanka. Gudoomiyaha gudida arrimaha dibadda ee baarlamaankaa Ciraaq ayaa isna ku taliyay inay Ciraaq diido go’aanka ka soo baxay Golaha amaanka iyagoo ugu baaqay Madaxweyne Sadaam Xuseen inuu qaato talaabada ku haboon ee lagaga hortagi karayo gardarada soo waajahday Ciraaq. Ugu dambayna waxa la filayaa inay Golaha baarlamaanku soo saaraan go’aano ku waajahan xaaladan, waxaanay sheegeen shir-gudoonka baarlamaanku in marka ugu dambaysa la raaci doono qaraarka uu soo saaro Sadaam Xuseen.

Dhinaca kale gaashaan buurta NATO ayaa sheegay inay diyaar u yihiin talaabo milatari oo laga qaado Ciraaq haddii ay diido go’aanka Golaha amaanka taasoo ay kaga wada hadali doonaana shir ay iskugu imanayaan 20-21 bishan November ee aynu ku jirno. Dawladda Jarmalka ayaa iyaduna muujisay taageerada ay u hayso go’aanka Golaha amaanka. Dawladda Shiinaha ayaa iyaduna muujisay walaaca ku saabsan go’aankaas laga soo saaray dalka Ciraaq.

Dagaalo ka dhex qarxay Jejniya Iyo Raashiya

M

oscow (W. Wararka) Dagaalo ba’an ayaa ka dhex qarxay Ciidamada dawladda Raashiya iyo dagaal yahanka Jejniya kuwaasoo ka socda dhul buuralay ah oo ku yaalla koonfurta Jejniya. War ka soo baxay taliska Ciidamada Raashiya ayaa sheegay in dagaaladu ay qarxeen ka dib markii ay koox dagaalyahan ahi ay jidgooyo u galeen ciidamo Ruush ah, tuulo 50km dhinaca Koonfur galbeed ka xigta caasimada Jejniya Garosni, warku wuxuu intaa ku daray in labada dhinacba uu soo gaadhay khasaare balaadhani, dawladda Ruushka ayaa dhinaceeda sheegtay inay dagaalyahanka Jejniya ka dileen 5 askari ilaa 30 ka midana ay go’doomin ku hayaan. Dhinaca Jejniya wax war ah oo dagaalkaas ku saabsani kamuu soo bixin. Dhinaca kale diyaarada helocoptor ah oo ay leeyihiin Ciidamada Ruushku ayaa ku burburtay goob 15km u jirta dhinaca waqooyi ee caasimada Jejniya, sida ay sheegeen Ciidamada Ruushku dhammaan dadkii saarnaa way badbaadeen balse wax war ah oo arrintaa xaqiijinaya lama hayo. Waxa kale oo aan la ogayn sababta ay diyaaradaasi u burburtay, dawladda Ruushka ayaa dhinaceeda ku tilmaantay inay ku timid cilad farsamo balse waxay u muuqataa in la soo riday diyaaradaa oo ay gantaal la heleen dagaalyahanka Jejniya.

 

Macaluul Ka Taagan Itoobiya

A

ddis Ababa (BBC) Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Meles Sanaawi ayaa ka digay macaluul ba’an oo soo foodsaartay dalkiisa, taasoo uu ku tilmaamay inay xuntahay tii dalkaasi ka dhacday 1984kii oo keentay dhimashada hal malyuun oo qof. Meles Sanaawi waxa sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Idaacada BBC-da waxaanu intaa ku daray in ay dadka macaluushaasi saamaysay gaadhayaan lix malyuun oo qof kuwaasoo u baahan gargaar degdega ah, waxaanu ka digay in dadka ay macaluushu haysaa ay gaadhi doonaan 15malyuun oo qof haddii aan gargaar degdeg ah laga helin Caalamka. Meles Sanaawi oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray inaanay dawladiisu haatan itaal u hayn wax u qabashada dadka ay macaluushu hayso. Sidaa darteedna loo baahanyahay gargaar degdega oo laga helo Caalamka. Hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ayaa dhibaatada ku tilmaamay mid u baahan gargaar qorshaysan oo loo fidiyo Itoobiya iyadoo dadka baahan la siinayo wax ay wax ku qabsadaan, ama ku horumariyaan duunyada ay gacanta ku haystaan sida xoolaha, beeraha, iwm. Sanadkii 1984kii ayay macaluul ba’ani ka dhacday Itoobiya tan haatan taagana waxa lagu tilmaamay inay ka ba’antahay taa hore haddii aan gurmad degdeg ah la helin, xaaladuna ay sii xumaan doonto ilaa sanadka dambe haddii aan laga gaadhin

 

Baro Xuquuqdaada, iyo Xilka Ku Saaran

Shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka

 

Gudiga doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyada Somalilnad

Kala Soco Wargeyska Haatuf

 

Si ay muwaadiniinta reer Somaliland u fahmaan doorashooyinka soo socda wuxuu gudiga doorashooyinka qaranku uu u soo diyaariyay casharadan soo socda oo ah xeerka doorashooyinka iyo xuquuqda muwaadinka reer Somaliland ee doorashooyinka

Waa Maxay Dimuqraadiyadu? Q: 1aad

Dimuqraadiyadu waa hab xukuumadeed dadka oo dhami uu ka qayb qaato, iyaga oo adeegsanaya dad ay soo doorteen.

Dimuqraadiyadu waa talo wadaag dhex mara ummad xor ah oo meel ku wada nool, oo ku heshiiyay inay isxukumaan, oo ay wada jir u ilaashadaan xorriyada, cadaalada, iyo nabadgelyada bulshadooda.

Astaamaha dimuqraadiyadda waxa ka mid ah inay dadku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad dushooda saaran.

Tiirarka ugu muhiimsan ee dimuqraadiyadu leedahay waxa ka mid ah:

1.      xuquuqda muwaadiniinta iyo xorriyad buuxda

2.      xukuumad ku dhisan ogolaanshaha dadweynaha loona simanyahay

3.      sareynta awooda sharciga

4.      doorasho xor ah oo xalaal ah

5.      xeer marinta iyo sharciga oo loo simanyahay

6.      xukunka aqlabiyada iyo xuquuqda dadka tirada yar oo la dhawro

7.      awooda Xukuumadda oo si distoori ah u xaddidan

8.      khilaafka oo lagu dhameeyo wada hadal iyo wax isaga tanaasul

9.      dhawrista xuquuqda bani’aadamka

 

1.      Xuquuqda aad leedahay

Marka ay bulshadu ku dhaqantahay dimuqraadiyadda waxa uu muwaadinku leeyahay xuquuq distoori ah oo aan cidina ka qaadi karin. Haddaba xuquuqda aad leedahay waxa ka mid ah:

1.1 Xaqa Hanaanka Dawladnimo

Haddii uu hab-beeleedku shalay kuu ahaa hanaan dawladnimo oo ku siinaya amaan naftaada iyo ilaalinta xoolahaaga marka khatari ku soo food saarto, Haddaba baro in maanta uu jiro qaran dadka u dhexeeya oo aad ka mid tahay. Baro in marka aad xaqa yeelato adigana waajibaad ku fuulayaan.

1.2 Xaqa Cabbiraada Ra’yiga

Adiga oo muwaadin Somaliland ah, waxaad xaq u leedahay inaad ra’yigaaga cabirto. Cabiraadu ha ahaato mid ka hadlaysa dantaada, danta guud, iyo aragtidaada wixii aad doonayso iyo wixii aad diidantahayba. Isla markaa adna waa inaad dhowrtaa xilka kaa saaran wixii xeer ah ee la xidhiidha xorriyadda ra’yi cabirka, taas oo inta badan ku cad distoorka dalka.

Waxaad doodaada iyo fikradaadaba ku qori kartaa jaraa’idka, waxa kale ood adeegsan kartaa Tiifiga iyo wixii la mid ah ee war baahin ah ee dalka ka jira.

Marka aad adeegsanayso xaqa xorriyadda cabbiraada waa inaad u martaa habka sharcigu ogolyahay. Tusaale ahaan haddii aad meel fagaara ah ka hadlayso ama aad banaanbax samaynayso, waa inaad fasax ka haysataa hay’adaha ku shaqo leh uuna banaanbaxaagu noqdo mid nabadgelyo ku socda.

Xaqa cabbiraada ra’yigu maaha inaad sidaad doonto u hadasho. Tusaale ahaan waxa kaa reebban inaad qofna si shaqsi ah u weerarto ama u aflagaadayso.

1.3 Xaqa Kulanka

Baro in aad xaq u leedahay in aad la kulan qabato iyo inaad ka qayb gali karto kulamo dad kale qabteen, adiga oo wixii sharci ah ee arrimahaas la xidhiidha ilaalinaya.

 

Xaqa Ururnimada (Xisbi)

Waxa kale ood xaq u leedahay inaad urur ama Xisbi si xor ah ugu biirto.

Xisbigu waa maxay?

Xisbi waa koox dad ah oo si rasmi ah oo heer qaran ah isugu abaabulay inay u tartamaan doorasho si ay awoodda xukunka u qabtaan ama uga qayb galaan.

 

2.      Sarreynta Awooda Sharciga (Xeerka)

Sarreynta awoodda sharciga waxa looga jeedaa in sharcigu cid kastaba qabto oo aanay jiri karin cid ka sarreysa oo markay doonto jabin karta, iyaga oon sharcigu qabaynaynin.

Astaamaha ugu muhiimsan ee bulshada dimuqraadiga ah lagu garto waxa ka mid ah iyada oo sharciga si buuxda loogu siman yahay. sinaantaasi waa laf-dhabarta jiritaanka bulsho cadaalad iyo dimuqraadiyada ah. Bulshada dimuqraadiga ah waxaa lagu gartaa waa sinaanta dadku xeerka u simanyihiin, qofka saboolka ah, ka hodanka ah, ka laga tiro badan yahay, ka xisbiga markaa talada haya taageersan iyo ka kasoo horjeedaba.

Ogow, xeerka dadkaa dhigtay, sidaa darteed waa in dadka oo dhami u hogaansamaan kuna dhaqmaan.

La soco cadadka dambe…

 

Ciyaarihii Ugu Dambeeyay Ee Kooxaha Talyaaniga

 

Lazio Iyo Parma Oo Bar-Baro Noqday.

R

oma (AP) Kooxda Lazio oo uu hal ciyaartoy ka maqnaa oo ku ciyaarayay (10), ciyaartoy intii badnayd ee ciyaartii axadii dhexmartay Kooxda Parma ayay ciyaartaasi ku dhammaatay barbaro aan wax goolala la kala dhalin dhibicda ay heshay Lazio waxay u ahayd dhibic qaali ah. Kala horeynta kooxaha Lazio iyo Chiavo waxay la simanyihiin xagga dhibcaha Kooxda Javantus oo iyadu difaacanaysa horyaalkan loo tartamayo waxaanay leeyihiin min (18) dhibcood, waxaanay (4) dhibcood ka dambeeyaan Kooxda hogaaminaya tartankaas ee Inter Milan. Ciyaarihii dhacay axadii waxaa iyana gool kaga badisay Kooxda Como oo ay ka adkaatay Bologno, guusha ay gaadhay Bologno waxaa hormood u ahaa ciyaarta weeraryahanka kooxdaas ee (Beppe) Signatori oo ka soo bogsaday dhaawac jidheed oo uu hore ciyaaraha uga fadhiyay ciyaartaasna u saftay kooxdiisa Bologno. Isla ciyaaraha dhexmaray kooxaha talyaaniga waxaa gool kaga adkaatay Kooxda Reggina ciyaar dhexmartay Kooxda dhawaan u soo gudubtay heerka (A) ee kubbada cagta ee talyaaniga oo ah naadiga Modena, Kooxda Perugla ayaa iyana 2-1 ugu awood sheegatay Kooxda Torino. Ciyaarta ay barbaraha noqdeen Lazio iyo Parma daqiiqadii 25aad waxa lumiyay fursad laad xor ah (Rigoore) ciyaaryahanka Kooxda Lazio uga ciyaara difaaca ee Sinisa-Mihailovic. Daqiiqadii 36aad ee ciyaarta dhexmartay Lazio iyo Parma ayaa dibadda looga saaray loolinkii ciyaartaas Fabio Liverani oo khadka dhexe uga ciyaara Lazio, taas oo ka dhigtay Kooxda Lazio inay (10) ciyaartoy ku ciyaaraan wakhtigii ka hadhsanaa ciyaarta, Fabio Liverani waxaa ciyaartii looga saaray isagoo ku xanaaqay Matteo Farrari.

Intii ciyaartaasi socotay waxay Kooxda Parma fursadii ugu wanaagsanayd heshay markii daqiiqadii 52aad ee ciyaartaa uu weeraryahanka Parma ee Reer Brazil Adriano uu madax la helay kubad uu si dadban ugu soo laaday Hidetoshi Nakata oo khadka dhexe uga ciyaara Parma una dhashay Japan, kubadaas oo birta goolka Lazio dushiisa martay.

 

Badheedhaha

Shirka Eldoret: Dadaalka IGAD, Taageerada Caalamka Iyo Tayo Xumida Kooxaha Soomaaliya

M

aamul la’aanta dawladeed ee Soomaaliya oo hadda ku dhaw in ay 12 jirsato ayaa in badan la sameeyay isku day shirareed oo lagu doonayo in xal loo helo lagu soo afjari lahaa colaada, maamul la’aanta iyo fal dambiyeedada xuquuqda aadamaha oo ay hoy u noqdeen magaalada Muqdisho iyo kuwa kale ee ku yaalla Soomaaliya.

Dhammaan dhawr iyo Toban shir oo hore loogu agaasimay arrinta Soomaaliya oo ay deeq iyo talaba dunidu la garab joogsatay kooxaha ay arrintu khusayso ee Soomaalida ah waxay ku soo gebageboobeen in kooxaha hubaysan ee ka qayb galay shirarkaas ama iyagu saxeexay oo haddana iyagu badhi fura.

Qodobka kale ee salka u ah burburka shirarkii hore ee loo qabtay kooxaha Soomaalida waxaa laf dhabar u ah qadiyada runta ah ee Somaliland oo ay iska indha tiri jireen kooxaha Soomaaliya iyo xataa dalalka qabanqaabiyay shirarkaasi. Taasoo ka dhigtay shirarkaas qaar aan runta ku salaysnayn, sababta awgeed aan qoraalada mala awaalka ah ee shirarkaasi ay noqdaan kuwo aan soo dhaafin gogoshii shirkaas. Ugu dambayn tii wadamada IGAD ee ay oodwadaagta yihiin gobol ahaan dalka ay ku hirdamayaan kooxaha hubaysan ee Soomaaliya oo aan waxba hambayn dhinacna dhammaan falalka argagaxa leh ayaa wadamada IGAD hadda shirkii ugu dambeeyay ugu yegleeleen magaalada Eldoret ee dalka kiiniya, runtii wadamada IGAD in badan ayay arrintan lafa gurayeen si ay u fahmaan boogahii baqiyay shirarkii hore, laakiin kooxaha Soomaalida iyo hogaamiyayaashoodu raali kama aha in run ahaan loo fahmo waxa jira, arrintaas waxaa u marag ah hogaamiyayaasha Muqdisho oo awoodii kari waayay inay maamul u sameeyaan magaaladaa qudha ayaa haddana isku daya inay bixiyaan sawiro aan ku salaysnayn xaqaa’iqa jira. Qaban qaabiyayaasha shirka Eldoret waxay cagta saareen xaqaa’iqa gobolkan markii ay fahmeen sida qadiyada Somaliland aanay uga mid ahayn kooxaha Soomaaliya, laakiin qabanqaabiyayaashii shirarkii hore ee arrimaha Soomaaliya ee dhalanteedka ku dhisnaa waxay weli, dabadda ka wadaan hindisayaashoodii aan runta ku salaysnayn ee fashiliyay wixii ay soo qobtoleen, abaabulayaasha shirka nabada ee Eldoret waxay ku sax yihiin inay go’aan qaataan qodobada ay ku guuldaraystaan inay ku heshiiyaan kooxaha tayadoodu liidato ee ku shirsan Edoret.

Marka la eego dunida kale ayaa iyaguna soo dhaweeyay shirka Eldoret oo ka rajo qaba inuu dhaliyo midho run ku dhisan oo xal u noqda dhibaatada haysata aqlabiyada dadka ku nool Soomaaliya, laakiin si uu shirkaasi u guulaysto waxaa gacanta ugu weyn laga doonayaa kooxaha Soomaaliya iyo hogaamiyayaashooda halkaa ku shirsan oo ku caana tayo xumi iyo tawfiiq xumo aanay marna isku raacin talo u danaynaysa dadka ay sheegtaan inay hogaamiyaan, laakiin waxay caan ku yihiin hurinta dagaalo ay ku hoobteen maato carruur iyo haween isugu jirta iyo dilka hawlwadeenada hay’adaha samafalka ee halkaa gargaarka u tagay si ay u caawiyaan dadka ku nool Soomaaliya ee shicibka ah. Arrintu siday doonto ha ahaatee shirka Eldoret waa shirka qudha ee marka la eego shirarkii hore loo qaban jiray kooxaha Soomaalida in shirkani uu ku salaysan yahay xog iyo xaqaa’iq aanay hogaamiyayaasha reer Muqdisho sidoodii hore aanay suurto gal ahayn inay tuulaan xumbo been abuura oo aan waxba ka tirin mushkiladooda, waa hubaal haddii qabanqaabiyayaasha IGAD ee shirka Eldoret ay ku socdaan jidkii ay ku bilaabeen shirkaa in ay ka soo bixi karaan midho waxtar leh oo aan hore uga soo bixin shirarkii ka horeeyay

 

 

Raadyow Maqaloocshe

Maanta Waxaan Kaa Dherginayaa Barnaamijyo, Maahmaahyo, Ogaysiis Iyo Xusuus Gabay