Issue: 209
______________Taariikh: November 24, 2002
Kacaankii Dhergiga
Tasfaaye: ka dib
markii ay dhamaatay xafladii lagu sii sagootiyay safarkii madaweynuhu ugu baxay
Jarmalka nin waliba wuu qada tagay, laakiin intii aanu ka shakisanayn waxay
isugu tageen, wasaaradda gaashaandhiga oo ay ku shireen, waxaana taarkii halkaa
yiil la nooga soo gudbinayay hebel baa galay iyo hebel baa yimid, oo xataa waxa
taarka la nooga soo sheegayay numbarada baabuurta ay wateen.
General Faantu Balaay
waxa uu ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee aanu ka shakisanayn, waxaase noo
cuntami weyday sababta uu Generaalada halkaa iskugu yimid ula shirayo waayo
isagu wuxuu markaa ahaa wasiirka wershadaha. Xiligaa waxaan diray xoghayntayda
oo aan u diray guriga wasiirka gaashaandhiga, laakiin waa la soo waayay, haddana
waxaan u diray xafiiskiisa kaana waa laga soo waayay, waxaase laga soo helay
xafiiska hanuuninta oo ku yaalay madaxtooyada gudaheeda, dabadeedna waxaan ku
idhi ‘taliye waxaan kaa doonayaa xafiiskayga” wuxuuna iigu jawaabay
“hadhaw shanta galabnimo haddii aynu kulano ka waran, imika arrin adag ayaan
hayaaye”, dabadeedna waxaan ku idhi “taliye aniguba waxaan kuugu baahnahay
arrin aad iyo aad u adag oo degdeg ah fadlan kaalay”.
Intaa ka dib waxaan
telefooniyay gaashaanle Mangestu Gamaaju oo ahaa gacanyaraha khaaska ah ee
madaxweynaha, isla markaana marka uu madaxweynuhu maqanyahay guutada khaaska ee
ilaalada madaxtooyada isaga oo qudha ayaa amar siin karayay, maalintaasna xanuun
dartii ayuu u raaci kari waayay madaxweynaha oo uu uga hadhay, dabadeedna markii
aan baadi doonay waxaan helay isagoo gurigiisa jiifa, laakiin telefoonka waxa
iga qabtay gabadh yar oo aan doonayn inay ii toosiso, waxayna igu tidhi “wuu
xanuunsanayaa oo wuu jiifaa”, waxaan haddana ku idhi “sida uu doono ha
ahaadee ii toosi”, dabadeedna telefoonkii ayaa loo dhiibay isaga, waxaana ku
idhi “arrin aad iyo aad u weyn ayaa jirta oo aan kuu doonayaa, markaa
gurigaaga ayaan kuugu imanayaaye jiifka ka kac, oo adigoo diyaar ah oo
direyskaagii xidhan aan kuu imaado”. Gamaajuu wuxuu dhex deganaa xafiiska
ururka Dhergiga. Dabadeedna waxa kale oo aan u yeedhay General Xayle Gorgis, ka
dibna saddexdayaduba halkaasaanu ku kulanay, waxaana uga waramay arrinta jirta
oo aan ku idhi “waxaan u malaynayaa inay saraakiisha sar sare inqilaab
damacsanyihiin, wakhtigan xaadirka ahna waxay ku shirayaan xarunta wasaaradda
gaashaandhiga, shirkaasna waxaan u malaynayaa inuu yahay shirkii ay inqilaabka
ku qorshaynayeen laakiin maadaama aad adigu tahay wasiirkii gaashaandhiga ma kuu
sheegeen shirka ay qabanayaan iyo waxa uu ku saabsanyahay, ta kale shirkan waxa
ka qayb galaya General Faantu Balaay, (wasiirka ganacsiga) sideebaad taa u
aragtaa”, wuxuuna ku jawaabay “maya anigu umaan fasaxin in shirkaa lagu
qabto xarunta gaashaandhiga isla mar ahaantaana waxba kama ogi shirkaa iyo waxa
uu ku saabsanyahay iyo ka qayb galka General Faantu Balaay toona”, dabadeedna
waxaan ku idhi “xafiiskaagii ku noqo oo arrintan weydii saraakiisha aad wada
shaqaysaan oo hubi sida ay xaqiiqdu tahay waayo haddii anagoon aan waxba ogayn
oo aanu nidhaahno waa inqilaab taasi ma fiicna, balse waa inaynu si cad u
aragnaa calaamado sheegaya inuu inqilaab yahay”, intaa markii aanu isnidhi
Generaalku waxa uu ku laabtay wasaaradiisii gaashaandhiga, aniguna waxaan ku
laabtay xafiiskaygii, gaashaanle Mangistu Gamaajuu isna wuxuu diyaariyay
guutadii ilaalada madaxtooyada.
Wax yar ka dib
gaashaanle Mangistu Gamaajuu ayaa qof ii soo diray wuxuuna igu yidhi “ General
Xayle Gorgis (wasiirka gaashaandhiga) halkeebuu joogaa?”, waxaana ku idhi
“waxaan u malaynayaa inuu yeelay sidii aynu ku balanay oo uu tagay xarunta
wasaaradda gaashaandhiga, balse aan hubin0” ka dibna waxaan la hadlay oo aan
weydiiyay wasaaradii gaashaandhiga, ma joogo ayaa nalagu yidhi, laakiin woxoogaa
ka dib ayuu yimid wasaaraddii, markaasaan ku idhi xageed ku maqnayd waaba lagu
waayee, wuxuuna noogu jawaabay “markii hore waxaan sii maray wasaarada
gaashaandhiga, ka dibna waxaan tagay gurigaygii, arrintii aad haddeer ii
sheegaysanee way jirtaa” dabadeed waxaan u celiyay “sideebaad ku garatay
inay jirto?”, wuxuuna yidhi “waxaan tagay xafiiskayga, dabadeedna
xoghayahayga ayaan weydiiyay shirkan jiraa waxa uu yahay iyo waxay qabanayaan
nimankan meesha ku shirayaa, wuxuuna igu yidhi la iima sheegin waxa uu yahay,
dabadeedna waxaan isku dayay inaan tago hoolka shirku ka socdo oo aan hubiyo
waxa uu shirku ku saabsanyahay, laakiin
Xoghayahayga ayaa igu yidhi halkaa ha isku tegin khatar baa ka
jirtee, sababta aan u raagay taas ayay ahayd arrintuna way jirtaa, waana arrin
cabsi leh oo xataa hoolkii ayaan gali kari waayay”. Laakiin xoghayaha wasiirka gaashaandhiga oo ahaa Sahaay
Maragu Shalaqa wuxuu taageersanaa inqilaabka, taasna waxaanu ku ogaanay markii
aanu baadhitaan ku samaynay. Ganat: Nimankii Inqilaabka samaynayay ma waxaad
leedahay waxba iima sheegin intii aanay arrinta ku talaabsan?
Tasfaaye: Haa waxba
iima sheegin haba yaraatee.
Ganat: laakiin kornayl
Mangistu Gamaajuu aad ayuu uga shaki qabaa inaad wax ogayd taa ka waran?
Tasfaaye: isagu wuu
shakiyi karaa, wuxuuna u hadlay ama u waramay sidii nin suuqa jooga oo kale,
laakiin waxay ahayd inuu u hadlo ama u waramo sidii nin madax ah, waxaasina waa
been waayo haddii ay run ahaan lahayd waxaa jiray niman ilaa bilawgii iyo
dhamaadkii inqilaabka wax ka soo waday maxay u hadli waayeen oo haddii ay taasi
jirto u sheegi waayeen.
Ganat: Raggii
inqilaabka ku jiray waxaa ka mid ahaa General Faantu Balaay dabadeedna waxa la
yidhi inuu baxsado ayuu doonayay laakiin waxaa la sheegaa inaad adigu dil ku
fulisay, taa ka waran?
Tasfaaye: Taasi sida
ay u dhantahay been weeyi, laakiin marka runta la sheego haddii ay igu odhan
lahaayeen na soo raac oo garab na sii oo ay markoodii hore arrinta igala tashan
lahaayeen may fashilmeen.
Ganat: Ma waxaad
leedahay haddii aan inqilaabka kula jiri lahaa may fashilmeen?
Tasfaaye: Haa haba
yaraatee muu fashilmeen, isla markaana maadaama aanu in badan nimankaa soo wada
shaqaynay waxba kumaan diideen haddii ay arrinta ii soo bandhigaan. Balse maalin
qudha ilamay soo qaadin arrin la xidhiidha inqilaabkaa, haddiise ay ii sheegi
lahaayeen markiiba waan ku raaci lahaa balse way iga baqeen.
Ganat: waxa la
yidhaahdaa waxaad u khaarajisay si aanu sirtaada kaaga fashilin, taasi ma jirtaa
?.
Tasfaaye: Waayo, waayo
maxaad sidaa ii leedahay, taas haba yaraatee waxba kama jiraan oo waa been, isla
markaana kooxda baadhayaasha ah ee arinkan baadhista abaabulay si kasta way
yeeleen oo waxba way iga waayeen, aniguna markii ay wax baadhayeen meel kasta
iyo wax kasta oo xafiiskayga iyo aniga u khuseeya waxaan ugu fasaxay si madax
banana, waayo waxaan jirin wax dembi ah oo aan isku ogahay, laakiin waxaan
iswaydiiyaa tolow maanta sidee bay arintu ahaan lahayd hadii aad berigii ka
shaqayn lahayd sidii Mingistu kursiga looga tuuri lahaa.
Ganat: Iminka miyaad
isku ciil-kaambidaa arintaa ka qayb gelid la’aanta ridista Mingistu ?.
Tasfaaye: Haa aad iyo
aad baan isugu ciil-kaambiyaa.
Ganat: Dhawr maalmood
ka hor intii aanay Yahaadhigu dalka soo gelin waxa la sheegay inaad saraakiisha
ku amartay inaanay dalka ka bixin, markaa waxay dad badani yidhaahdaan haddaad
berigaa iska sii dayn lahayd maanta may xidhxidhnaadeen, taa maxaad ka
odhan?……….
Gudiga
doorashooyinku yaanay dhinac u xaglin
Anigoo ka mid ah
musharaxiinta golaha deegaank hargeysa ee ururka ASAD, waxaan gudiga
doorashooyinka qaranka u soo jeedinayaa ama kula talinayaa inay ka digtoonaadaan
ama aanay ku kicin talaabooyin ku lid ah hanaanka dimuqraadiyada iyo talo
wadaaga ee geedi socodka hawsha doorashooyinka, sidaa darted waa inay noqdan
gudi dhex ah oo cadaalad ku shaqeeya, waayo waxay cadaalad darro iiga muuqatay
qaabkii ay u magacaabeen gudiyada doorashooyinka degmooyinka qaarkood, taasoo
xubno ka mid ah gudiga doorashooyinka oo hore u magacawnaa inta meesha laga
saaray lagu bedelay rag ka mid ah musharaxiinta UDUB.
Arrintaasi waxay ka
dhacday degmada Bali-gubadle, taas oo ay gudiga doorashooyinka qaranku markii
hore gudoomiyaha gudiga doorashada degmada Bali-gubadle ay ka dhigeen cabdilaahi
x. Xuseen Caraale laakiin waxaa mar dambe lagu bedelay nin musharax u ah golaha
deegaaanka ee Bali-gubadle ee ururka UDUB. Sidoo kale waxa meesha laga saaray
Ismaaciil Cabdi Daahir oo markii hore ka mid ahaa xubnaha gudiga doorashooyinka
degmada waxaana la aaminsanyahay inay arrimahaasi ku yimaadeen faro galin ka
timid dhinaca xukuumada iyo hogaank ururka UDUB, sidaa awgeed gudiga
doorashooyinku waa inay noqdaan kuwa ku shaqeeya cadaalad iyo dhexdhexaadnimo,
isla markaana waa inaanay u muuqan niman cid u shaqeeya ama u dhega nugul.
Ibraahim Gaydh
Faarax Hargeysa
Hadalka Wasiirku
Galka Ma Le’eka, umana Eka
Tan iyo markii ay
Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda 1991kii ilaa maanta muran kama
taagna inay dawladaha carabtu dhabark u soo jeediyeen mujtamaca reer Somaliland
iyo qadiyadooda madaxbanaanida, waxaana taa daliil u ah xayiraadaha ay goor walb
saaraan ganacsiga xoolaha, taasoo la aaminsanyahay inay tahay cuna-qabatayn la
xidhiidha arrimo siyaasadeed. Sidaa darted marka dhinacyo dhawra laga eego waxa
la odhan karaa dawladaha carabtu uma hambayn dadka reer Somaliland dhinac
siyaasadeed iyo dhinac dhaqaaleba. Hase yeeshee waxaan la yaabay weedhihii uu
dhawaan ku tiraabay wasiir ka tirsn xukuumada Somaliland, taasoo uu yidhi waxaan
soo jeedinay indhihii carabta ee inaga sii jeeday, waxaanse taa kaga jawaabayaa
maha wax lagu baano mucaawino yar oo faro guudkood ah.
Dawladaha carabtu
indhahooda way ka laliyeen Somaliland, sidaa darteed caawimada yar ee uu sheekh
Saa’id ma noqon karto guul siyaasadeed oo ay xukuumada Somaliland ku soo
jeedisay indhaha dawladaha carabta, waxaynanu ognahay in kaalmada yar ee
Somaliland soo gaadhay qayb ka ahayd deeq ay inteeda badani ka degtay muqdisho
ee aanay ahayn wax u gaara Somaliland, laakiin xukuumada Somaliland haddii ay
indhaha carabta soo jeedinayso waa looga fadhiyaa, waxaase la odhan karaa hore
ugama ay shaqayn oo may qaadin talaabooyin wax ku ool ah oo ay ku wanaajinayso
xidhiidhka tasoobay ee Somaliland iyo dunida carabta. Haddaba waxaan leeyahay
hadalka wasiirku wuxuu ka dhigan yahay seeftu galka ma le’eka umana eka, sidaa
darteed xukuumada Somaliland haddii ay hadda ka dib ku guulaysato indhaha dunida
carabta waanu u hambalyayn doonaa.
Maxamed
Ibraahim Sagax Hargeysa
Anigoo ah nin dhibaataysan oo marar badan
codsaday I wax la ii qabto laakiin aan hore wax la iigu qaban oo dhegaha la iga
furaystay.
Waxaan la shaqeeyay weftigii nabadaynta
ee gobolka Sool waxaananu ku heshiinay in dhakhtar dibadeed la ii diro, sidaa
darteed waxaan doonayaa inay dawladda Somaliland iyo weftigaasi arrintayda wax
ka qabtaan haddii kale waxay noqonaysaa in la I xaasidayo.
Anigu waxaan ahay ninka dhakhtar dibadeed
codsanayay muddo 12sanadood ah taasoo waxaan u baahanahay ay tahay nooliga
diyaarada iyo kharashka dhakhtarka laakiin aan hore waxba loogu qaban, sidaa
darteed haddii aad tihiin kuwo nabad gelyo iyo wanaag u baahan waa in intaa la
ii qabto, ilayn wadan dhan oo ay maalin walba ay ka soo baxdo malaayiin dollar
intaa la iim waayine, haddii kale waa la ii quudhi waayay, haddii aad waxba ii
qaban weydaan waa in idinka kala daadin doonaa wanaaga iyo nimcada.
7. Qaab dhismeedka dawladda Jamhuuriyadda
Somaliland
Qaab-dhismeedka dawladda Jamhuuriyadda
Somaliland waxa uu ka kooban yahay saddex waxood oo kala madax-bannaan oo isla
markaana xidhiidh distoori ah leh. Waxa ay kala yihiin; golayaasha
sharci-dejinta, golaha fulinta, iyo garsoorka.
Waxaanu cutubkan si kooban ugaga faaloon
doonaa saddexdaa waaxood waxyaabaha ay ka kooban yihiin iyo xilalka ay mid
waliba leedahay. Waxaad ka heli kartaa sawirkan soo socda.
Qaab-dhismeedka Jamhuuriyadda Somaliland.
Golaha guurtida
Golaha wakiilada
Golaha degaanka
Madaxweynaha iyo m/ku-xigeenka
Golaha wasiirada
Laamaha dawlada
Waaxda garsoorka
Maxkamadda sare ee qaranka
Maxkamadda rafcaanka
Maxkamadda gobolka
Maxkamadda degmada
7.1. golaha fulinta
golaha fulintu waxaa uu ku kooban yahay;
·
Madaxweynaha iyo madaxweyne ku
xigeenka
·
Golaha wasiirada
·
Iyo dhamaan laamaha xukuumadda iyo
hay’adaheeda madaxa bannaan.
Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka
waxaa soo doorta dadweynaha. Waxaanay xilka hayaan muddo dhan shan sanadood.
7.2. garsoorka
golahayaasha sharci dejintu waxaa ay ka
kooban yihiin; golaha guurtida, golaha wakiilada iy golaha degaanka.
Golaha guurtida iyo golaha wakiiladuba
waa heer qaran.
7.3.1. golaha degaanka
sida uu distoorku dhigayo ee ku goalha
degaanku waa gole sharci dejineed.
7.3.2. Waa maxay dhismaha maamulka golha
degaanku?
Sida uu qeexayo xeerka gobolada iyo
degmooyinka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 21aad ee dhismaha maamulka golaha
degaanku waa;
7.4. Waa maxay hawlaha golayaasha
degaanku?
Sida ku cad xeerka gobollada iyo
degmooyinka jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 22aad, hawlaha golaha degaanku
waa:
7.4.1. waa
maxay waajibaadka golayaasha degaanka qaranku?
Sida ku cad
xeerka gobollada iyo degmooyinka jsl qofobkiisa 2aad
Waajibadka
golayaasha degaanku waa:
1.
Daryeelka
fayo-dhawrka guud iyo gaar ahaan nadaafadda magaalooyinka iyo ka hortaga
cudurada faafa.
2.
Aas-aasida
suuqyo badeeco iyo kuwa xoolaha
3.
Kormeerka
dhismooyinka cusub, kuwa la cusboonaysiinayo iyo kuwa uu baahan in la dumiyo.
4.
Ka-hortagga
dhibaatada abaarta, dufaanada, dabka halista ah iyo dhibaato kasta oo wax u
dhimi karta dadweynaha.
5.
Daad-guraynta
dadweynaha haddii ay aafo dhacdo.
6.
Diyaarinta
iyo fulinta mashaariicda ama barnaamijyada lagu hoggaaminayo dadweynaha xaga
caafimaad, dhaqaale, ama bulsho.
7.
Kordhinta
tacabka wax soosaarka iyo abuurida ilo dhaqaale iyo daryeelka hantida umadda.
8.
Dhismo
dugsiyada aaas-aasiga ah kuwa qur’aanka iyo maamulkooda.
9.
Dhimha
xarumha xannaanada hooyada, dhallaanka iyo maamulkooda.
10.
Dhismo
dugsiyada xannaanada caruurta, kuwa horumarinta qoyska iyo maamulkooda.
11.
Dhismaha
iyo horumarinta hawlaha ilayska magaalooyinka degmada
12.
Horumarinta
fanka, isboortiga iyo suugaanta
13.
Dhisme
goobo biyood oo magaalooyinka iyo tuulooyinka dhexdooda ah.
14.
Samaynta
iyo dayactirka waddooyinka dhex mara magaaloyinka degmada
15.
Bilicsamida
magaalooyinka iyo tuulooyinka iyo codsiga oo jeedinta naqshadaha degsiimooyinka
degmadu ka kooban tahay.
16.
Diiwaangelinta
dadweynaha degmada iyo xafidaada diiwaanada dhalashada, dhimashada, guurka,
furiinka iwm
17.
Diiwaangelinta
hantida ma guurtada ah ee dadweynaha degmada ku nool.
18.
Habaynta
iyo ilaalinta maritaanka wadooyinka dhexmara magaalooyinka degmada
19.
Habaynta
iyo aas-aasida goobo ganacsi iyo farsamo oo loogu danaynayo dadweynaha
20.
Maamulida
mashaariicda lagu fulinayo iska-wax-u-qabso
21.
Habaynta
hawlaha aasida
22.
Ilaalinta
degaanka (bii’adda)
23.
Noolaynta
shaa’irta islaamiga ah, waddaniga iyo caalamiga ah.
7.4.2. Waa maxay awooda golayaasha
degaanku?
Sdia ku cad xeerka gobolada iyo
degmooyinka jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 24aad awooda golayaasha degaanku
waa;
·
In uu bixiyo kharashkaloo baahdo
kana yimaada fulinta hawlaha maamul degmo
·
In uu soo saaro go’aano la socon
kara sharcigan iyo shuruudaha kale ee dalka oo la xidhiidha arrimaha maamulka
nbadgelyada iyo horumarka degaankooda
·
Inuu xaqiijiyo ururinta
canshuuraha, qaraamaadka iyo wixii xuquuq kale ah oo sharcigan ama shuruuc kale
awood u siinayaan maamulka degmada.
Ciyaaryahanka Mario Jardel ayaa dib ugu
noqday kooxdiisa Sporting Lisbon, kadib markii uu Kooxdaasi ku soo rogtay
xayiraad ka timid isagoo soo mari waayay baadhid caafimaad oo looga baahnaa inuu
soo dhamaysto xilli-ciyaareedka ka hor.
Mario
Jardel oo ahaa gool-dhaliyihii ugu goolasha badnaa ciyaarhii kal hore oo
dhaliyay 42-gool, waxaanu tartankaas ku noqday dalkiisii Brazil, kadib markii uu
la kulmay mushkilad qoys oo uu burburay guurkiisii, taas oo uu sheegay in aanu
sii wadi Karin ciyaarta, isagoo sheegay in aanu nafsad ahaan xaaladiisu
wanaagsanayn. Xilligaas tababaraha kooxda Sporting Lisbon ee Portugal ayaa isagu
aad ugu hanweynaa soo noqoshada Jardel, waxaanu rumaysan yahay in la’aanta
kooxdiisa ee weeraryahanka Jardel aanay haweysanayn hanashada koobka champions.
Laakiin dhinaca dhakhaatiirka ayaa tilmaamay in aanu Jardel muddo afar bilooda
qaadan wax layli ciyaareed ah iyo in aan weli la saadaalin karin xaaladda
maskaxeed ee uu ku sugan yahay hadda.
Sporting
Lisbon oo sannadkii hore laba tartan ciyaareed ku guulaysatay, waxay ciyaaraha
sannadkan ugu bilaabmeen, si aan diir-diiranayn, waxaanay laba guulood oo qudha
ka soo hooyeen 5 ciyaarood oo ay safteen xilli ciyaareedkan, waxaanay lix
dhibcood ka dambeeyaan kooxda FC Porto oo iyadu hogaanka u haysa. Waxa kale oo
ay ku guulaysteen in ay ka gudbaan wareega hore ee horyaalka Yurub (Champions).
AJAX
oo soo ceshanaysa qayb ka mid ah wakhtigii dahabiga ahaa ee dhaafay
Litmanen
oo Khashaafadda u shidaya kooxda AJAX
By
World Soccer Magazine
Kooxda
Ajax ayaa rajaynaysa in ay dib ula soo noqoto qaybo ka mid ah wakhtigeedii
dahabka ahaa, taas oo ay kooxda Ajax dib uu ugu soo noqday Ciyaaryahanka Jari
Litmanen, oo ka mid ah ciyaartoyda ugu kaalin-galka wanaagsan ee wakhtiga
ciyaarta oo dhan dhammaystira.
Ciyaartoygan
Litmanen oo u dhashay Finland, wuxuu ahaa furaha ciyaarta kooxda Ajax
badhtamihii 1990, markii uu Naadiga Ajax ku guulaystay koobka Champion League.
Go’aankan uu ugu soo wareegay Jari Litmanen wakhti yar ka hor, markii la
joojiyay u kala wareega ciyaartoyda ee kooxaha ee loo sameeyay xilliga go’an
ee xeerka ay FIFA soo saartay, arrintani waxay layaab ku noqotay kooxda
Liverpool oo la siman Ajax, markii hore waxaa jirtay rabitaan uu Litmane ku
doonayay inuu ku noqdo Amsterdam xagaagii dhowaa, laakiin heshiiskii arrinta
ayaa socon waayay.
Heshiiska
ay Ajax la gashay Litmanen kumay diirdiiranayn, waxaanu Leo Benhakker oo ah
Agaasimaha Ajax uu ka yidhi u soo wareega Litmanen ee Ajax; “Kaalintii Jari
Litmanen, waxaa u buuxiyay si dhaba Rafael Vander Vaart oo ah ciyaartoyda leh
hibada ciyaareed ee Yurub kuwooda ugu cad-cad”
Heshiiskan
Ajax ee Litmanen oo ah 18 bilood, kamuu soo bixin faahfaahin ku saabsan
mushaharkiisa. Tababaraha kooxda Ajax Ronald Koemank, ayaa isagu rumaysan in
Litmanen iyo Van Der Vaart ay kooxda u wada ciyaari karaan.
Ciyaaraha
league-ga waxaa iyagu halka sare isugu tagay oo leh min 19 dhibcood Kooxaha Ajax
iyo PSV, halka kooxda Feyenoord kaalinta saddexaad ku jirto oo ay lix dhibcood
ka dambayso kooxda Heerenveen oo loo haystay in ay ahayd kooxda la baratami
karta saddexda kooxood ee waaweyn, waxay la kulantay hantaaq weyn bilowgii
ciyaaraha, waxaanay liiska kala horeynta kaga jiraa kan labaad ee kooxaha ugu
hooseeya waxaanay leedahay laba dhibcood oo keliya, eedda ugu badana wuxuu
naadigaasi saaray guuldarooyinka ciyaareed ee soo gaadhay bilowgii ciyaaraha.
Tababaraha kooxdaas Heerenveen, Foppe De Haan oo hawshaa waday 17 sannadood,
waxa uu yidhi; “Kuma khalkhalayno waxoogaa guuldarooyina oo nala soo darsay,
waana arrin aanu hubaal saxayno.”
Ilaa
hadda wax horumari umay soo kordhin kooxda Heereveen dhinaca koobka UEFA.
Dhinaca
ciyaaraha Champions, Ajax iyo Feyenoord, ayaa iyagu weli ka mida wareega labaad
e ciyaarahaas, dhinaca PSV ayaa u muuqata koox aan hore u gaadhin heerka ay ka
gaadhay tartankan.
Kooxda
AC Milan oo Si layaableh Guulo Uga soo hoysay Tartanka Champions
By
Paddy Agnew – World Soccer Magazine
|
K |
ooxda
AC Milan waxay kula kulmeen ciyaar kubadda cagta ah kooxda Deportivo La Coruna
oo ay kula ciyaareen garoonka Olypic Stadium, haddana waxay u dhaafeen dhinaca
San Siro oo ah garoonkeeda oo ay ciyaar ku yeesheen garoonka Delle Alpi, waxaanu
ugu bilowday kooxdan Talyaaniga ah (AC Milan) tartankan champions-ku yididiilo
iyo ifafaalo guuleed oo ay ku dhammaystireen wareegii hore.
Marka
la eego guulaha ciyaareed ee ay kooxdani gaadhay, waxaa muuqata in Milan aanay
ku yareyn ciyaartoyda hodanka ku ah hibada ciyaar-wanaaga ee kubadda cagta ee ka
mid ah kooxda Milan sida: Rivaldo iyo Rui Costa oo u kala dhashay Brazil iyo
Portugal, Clarence Seedorf oo Holland u dhashay, Andri Shevchenko oo Ukrain u
dhashay, Dan Jon Paolo Maldini, Alessandro Nesta, Filipo Inzaghi, Andrea Pirlo
oo iyagu u wada dhashay Talyaaniga. Waxaa isna loo aanayn karaa guulaha ay
gaadhay kooxda Milan, tababaraha Carlo Acelotti oo la odhan karo waa ninka leh
soo xulista ciyaartoyda u safata kooxdaas iyo qaabayntooda ciyaarta.
Ancelotti
wuxuu kula ciyaaray kooxaha Javuntuz iyo Parma, ciyaar qaabkedu ahaa 4-4-2 oo
kooxdiisa Milan ay samaynaysay orod aad u xoogan iyo kubadda oo ay aad
dhinacooda ugu loolamayeen.
Guulahaa
waxaa la odhan karaa, waxaa kooxda Milan lafdhabar ugu ah Nesta iyo Maldini oo
ka ciyaara difaaca dhexe ee kooxda oo aad ugu adag kaalmahooda. Waxaa iyaguna
dhexda afka hore ee weerarka kooxda uu hogaaminayo Ancelloti ka hawl-gala Rui
Costa, Rivaldo iyo Seedorf.
Tababare
Ancelloti, wuxuu helay farsamo uu ku safay ciyaartoyda kooxdiisa ugu wanaagsan
ciyaarihii bilowga ahaa ee kooxdiisu la yeelanayso kooxaha kale tartamada kala
duwan ee kalkooda gudihiisa iyo kuwa heer qaaradeed ah.
Ragga
ciyaaraha faalleeya, ayaa muujiyay in aanay gaadhin kaalintii ay ku hanan
lahaayeen magacweyn oo tababare kooxeed ah. Labada tababare ee xilliyadan dambe
soo muuqday ee Roberto Mincini oo Lazio ah iyo Cesare Prandelli oo Parma ah in
ay kasban karaan suuqa tababarayaasha heerkoodu sareeyo qaadashadooda ee loogu
tartamo suuqyada ciyaaraha.
Sucuuudiga
oo xayiraadii xoolaha ka qaadaya
|
R |
iyaadh
(Al-Iqtisaadiya): Wasaarada Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga, ayaa hadda ka
fiirsanaysa sidii xayiraadda looga qaadi lahaa xoolaha Soomaalida, waxaana sida
illo xog-ogaal ahi tibaaxeen la filayaa in ay wasaarada beeraha ee Sucuudigu si
dhakhso ah ugu dhawaaqdo go’aanka kama dambaysta ah ee xayiraad ka qaadida
ganacsiga xoolaha Soomaalida.
Warkan
oo uu daabacay Wargeyska Al-Iqtisaadiya ee ka soo baxa dalka Sucuudiga,
cadadkiisii soo baxay doraad, waxa uu intaa ku daray in faahfaahin dheeraad ah
uu ka bixiyay mowduuca xayiraad ka qaadida xoolaha Soomaalida ee ay dawladda
Sucuudigu ka fiirsanayso.
Wasiirka
Beeraha iyo Biyaha Sucuudiga, Cabdalla bin Cabdullcasiis, ayaa xaqiijiyay in dib
loo eegayo xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaalida ee loo dhoofin jiray dalka
Sucuudiga, wuxuuna taa ku tilmaamay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in
ujeedadii laga lahaa xayiraaddu aanay sidii la rabay u fullin, isla markaana
aanu sii jiritaankeedu ahayn mid faa’iido ku jirto duruufo isbedelay awgeed.
Wasiirka
Beeruhu, waxa uu carabka aad ugu adkeeyay in xoolaha Soomaalida la fasaxi doono
kadib marka ay wasaaradiisu diyaariso xeer iyo nidaam adag oo lagu hubin karo in
ay xoolaha ka imanaya dhulalka Soomaalidu ka bad qabaan cudurada waxyeelada u
geysta caafimaadka dadka.
Waxa
la filayaa in xoolaha Soomaalida lagu sameeyo baadhitaano caafimaad oo ka culus
kuwii hore loogula dhaqmi jiray.
Dhinaca
kale, qaar ka mid ah ganacsatada Sucuudiga ee ka ganacsan jirtay xoolaha
Soomaalida, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan, kana qayb-qaadanayaan
tabaabushaha ay dawladda Sucuudigu ugu jirto in dib loo fasaxo ganacsiga Xoolaha
Soomaalida, iyagoo khasaaraha soo gaadhay muddadii labada sannadood ka badnayd
ee ay xayiraaddu taagnayd ku qiyaasay lacag gaadhay 500 oo Milyan oo riyaalka
Sucuudiga ah. Khasaarahaa oo isugu jira, lacagayow ay xoolo ku dirteen waxyar ka
hor xayiraadda iyo kharash kaga baxay xanaanaynta xoolo loo soo dhoofiyay oo la
kulmay xayiraadii lagu soo rogay xoolaha Soomaalida 17/9/2000.
Safiirka
Maamulka C/Qaasim u fadhiya Sucuudiga, Axmed Maxamed Cabdalla ayaa isaguna
dhinaciisa ka ballanqaaday inuu ganacsatada Sucuudiga ah ee wax ka maqan yihiin
gacan ka siin doono, sidii ay cawil-celin u heli lahaayeen. Waxa kale oo uu
safiirkaasi sheegay in dhammaan Qabqablayaasha dagaalka ee Soomaalidu diyaar u
yihiin in ay dhawraan oo ay tixgeliyaan xuquuqda iyo hantida Tijaarta Sucuudiga
kaga maqan dhinaca Soomaalida ay la ganacsan jireen, intii aan la soo rogin
xayiraadda. Hase yeeshee, qaar ka mid ah ganacsatada Sucuudiga ayaa walaac ka
muujiyay burburka dhaqaale ee ku dhacay ganacsigooda muddadii xooluhu
xidhnaayeen iyo sida aanay suurta-gal u ahayn in ay helaan xoolihii kaga maqnaa
dhinaca Soomaalida. Sidoo kale, xayiraadda lagu soo rogay Xoolaha Soomaalida,
ayaa saamayn weyn ku yeeshay Dekedda Jeesaan ee dalka Sucuudiga oo ay xayiraadda
ka hor sannadkii ka soo degi jireen xoolo lagu qiyaaso shan milyan oo neef,
kuwaas oo laga soo dhoofin jiray dhinaca Soomaalida, waxaanay wararku sheegayaan
in dakhligii dekedaasi si ba’an hoos ugu dhacay intii xayiraadda ka dambaysay.
Barnaamijkii
Cod-bixinta miyuu Fashilmay?
|
H |
argeysa (Haatuf): “Anigu
waxaan qaatay 7 kaadh, iminkana daantaas ayaan u gud-bayaa oo aan kaadh kale ka
soo qaadanayaa” sidaa waxa yidhi nin shicib ah oo maalin maalmaha ka mid ah u
sheekaynayey laba nin oo kale oo saaxiibadiis ah, waxayna xiligaa ag-taagnaayeen
meel u dhow goob ka mid ah goobaha cod-bixinta magaalada Hargeysa.
“Adeer waxaan idin waydiiyey hawsha
diiwaangelinta miyaan la rabin ileyn waxaan arkay kaadhadh ay dad dhalinyaro ahi
meelo gidaaro ah ama geed hoostii la fadhiyaan oo ciidan ilaalinaya iyo cid
kormeeraysaa toona jirin”, sidaana waxa ku tiraabay oday ka mid ah dadweynaha
reer Hargeysa oo goor cawaysin ah nagu soo booqday xarunta wargeyska Haatuf.
Khamiistii toddobaadkii hore goob ka mid
ah goobaha diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee magaalada Boorame ayaa la boobay
kaadhadhkii iyo weliba shaambadii kaadhka lagu dhufanayey. Sidoo kale waxa
dabayaaqadii toddobaadkii hore iyadana la boobay goob ka mid ah goobaha
diiwaangelinta ee magaalada Burco.
Goobaha diiwaangelintu waa geed yar oo
hadh-dacaar leh hoostii ama gidaar dhinicii, isla markaana ma arkaysid wax
ciidan ah oo ilaalinaya dadka alaabat iyo dadka hawsha wada iyo xataa coid
kormeeraysa oo dusha ka ilaalinaysa dhalin yarada hawsha wada, taasina waxay
keentay in dadka hawsha wada ee geedaha hoos fadhiya si yar loo hadidi karo,
loogana qaadi karo waxa ay sacabada ku hayaan, sidoo kalena ay alaabta
baylahdeedu badato.
Qof kasta oo doonaya waxa u suurta
gelaysa inuu qaato inta uu doono ee kaadhadha ah, taas oo marba meesha uu doono
uu iska qori karo ama hadii uu doono uu goob keliya ku soo noqnoqon karo marar
badan.
Waxa kale oo iyana baylahdeedu badan
tahay xaqiijijtii ahayd yaa muwaadin ah oo xaq u leh inay codeeyaan, yaanse
ahayn, waayo marka aad eegto baylahda goobaha diiwaangelinta way iska dhib yar
tahay inay Itoobiyaanka iyo dadka Reer Baydhabo magacyo Somali sheegtay, ka
dibna xantoobooyin kaadhadh ah qaataan intay kayuugga galaan. Laakiin arinta ugu
darrani waxay tahay saylad ganacsi oo ka hoos dilaacday barnaamijka
diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, taas oo uu qofkii doonaa inta uu gacanta dhiibo
joonyado kaadhadh ah loo rari karo.
Waxa suuqyada magaalooyinka
diiwaangelintu ka socoto ku filiqsan ama lala wareegayaa kaadhadh badan oo
cad-cad oo aan wax magac ahi ku qornayn, taas oo ay kooxo dhalinyaro ahi
suuqyada la wareegayaan iyaga oo iibinaya. Tusaale kaadhka lambarkiisu yahay
0105703 waxa uu ka mid yahay kaadhadh badan oo noociisa ah oo lala
dhex-wareegayey magaalada Burco, taas oo uu weriye Haatuf ka
tirsani sheegay in lagu baayacayey 70,000 (Todobaatan kun) oo lacagta giinbaarta
loo yaqaan ah (Shilin Somali).
Sida ay tibaaxeen wararka arintan ku
saabsani kumanaan kaadhadh ah ayaa la xaseeyey, laakiin laba sababood ayaa loo
xaseeyey, labadaas sababood oo ay ta hore tahay dad doonaya inay hadhow codad
badan ka helaan iyo dad doonaya inay ka baayac-mushtareeyaan oo ay hadhow
ururada siyaasadda ka iibiyaan.
Sida ay wararka arimaha doorashooyinka u
dhuun-daloolaa sheegeen bilowgiiba xubno ka mid ah ragga darka ku dhow dhow ayaa
joonyada kaadhadh ah cuurtay oo meel ku xasaystay.
Markii uu soo ifbaxay mad-madowga iyo
dayaca ka muuqday hawsha diiwaangelinta cod-bixiyayaasha dad badan ayaa ka
hadlay, waxaana abuurantay dood ku saabsan xaaladda dayacan ee barnaamijka
diiwaangelinta, waxayna taasi dhalisay su’aalo badan.
Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan
wasiirka arimaha gudaha ayaa maalin labaadii hawsha diiwaangelinta arintaa ka
hadlay, wuxuuna sheegay inay guddiga doorashooyinka ee hawsha maamulayaa ka
qadiyeen saamigii ay hawsha ku
lahayd wasaaradda daakhiliga, taasina ay keentay kaalinta la tebayo ee
wasaaradda arimaha gudaha. “Waxaanu ku war helay hawshii oo socota oo xataa
nooma ay sheegin guddiga doorashooyinku inta goobood ee ay diiwaangelintu ka
dhacayso”ayuu yidhi wasiirka daakhiligu.
Ururada mucaaradka intooda ayaa iyaguna
si ba’an uga qayliyey hanaanka ay wax u socdaan, iyaga oo si kulul u dhaliilay
qaabka ay guddiga doorashooyinku hawshan u maamuleen.
Ururada UCID, ASAD, KULMIYE iyo HORMOOD
ayaa wada jir ugu dhawaaqay in la joojiyo hawsha diiwaangelinta, iyaga ooo ku
tilmaamay inay murkucatay., isla markaana farta ku fiiqay mad-madow iyo raadad
musuq-maasuq oo la jaanqaaday hawsha diiwaangelinta, waxayna ururadaasi inay
hawshaa xalaal-nimadeedu wasakhowday.
Ururada siyaasadda ee u diiwaan-gashan
inay tartamaan iyo guddiga doorashooyinka ee sare ayaa maalmihii ina dhaafay
yeeshay kulamo la sheegay inay ka dhaceen xarunta hay’adda horumarinta iyo
nabadda Somaliland, xafiiskeeda Hargeysa, waxaana kulamada lagu gorfeeyey guud
ahaan hawlaha doorashooyinka iyo gaar ahaan hawsha gacanta lagu hayo ee
diiwaangelinta, waxayna warar kulamadaa u dhuun-daloolaa tibaaxeen inay
dhinacyadu ka wada hadleen mad-madowga iyo dhaliilaha shilis ee ka muuqday
barnaamijka diiwaangelinta cod-bixiyayaasha.
Inkasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo
ka soo baxay kulamada dhexmaray ururada siyaasadda iyo guddiga heer qaran ee
doorashooyinka, hadana ilo xog-oaal ah ayaa tibaaxay inay guddigu qirteen
gol-daloolooyinka iyo uskagga ka muuuqday barnaamijka diiwaangelinta
cod-bixiyayaasha. Laakiin gudoomiye-xigeenka guddiga dooraashooyinka, C/laahi-
Jawaan ayaa waraysi uu wargeyska Jamhuuriya siiyey ku sheegay in marka xiliga
doorashada la gaadho ay xataa codkooda bixin karaan dadka aan isdiiwaangelin ama
haysan kaadhadhka diiwaangelinta, taasna waxa la odhan karaa waxay marag u tahay
inay luntay kalsoonidu barnaamijka diiwaangelinta cod-bixiyayaasha oo lagu waday
inay noqoto ama tahay rukni muhim ah oo ka mid ah Ud-baha doorashadu ku
ruqaansan karto.
Sida la ogyahay hay’adda hawshan
maamulaysaa waa guddiga doorashooyinka, sidaa
darteed iyaga ayaa dummadda ku qaadaya wixii ceeb ah ee guud ahaan iyo gaar
ahaan-ba ka yimaadda barnaamijka doorashooyinka oo ay hawsha diiwaangelintu qayb
ka tahay, laakiin durba waxa muuqatay inay guddiga doorashooyinka hawshu ka
baahday, waxayse dadku
iswaydiinayaan baylahda guddigu saddex sababood waa iyama. Inay arintu raad ku
leedahay aqoon la’aan iyo karti daro oo ay ka taf-dheeraatay, ta labaad inay
ogaan u dayaceen, waayo tusaale loo soo qaadan karaa inta ay kaadhadhkii kooxo
dhalinyaro ah dacalada uga buuxiyeen ayaanay odhan-ba xoolihii xagee bay u
dareereen. Laakiin dadka qaar baa leh arintu sidaa ma aha ee guddigau halkii ay
kaga mashquuli lahaayeen diyaarinta iyo dabagalka had-ba hawsha socota, waxay
inta badan ku mashquuleen raad-raadinta iyo kala qorshaynta qadaadiicda ay
midowga Yurub ugu deeqday hawsha doorashada. Laakiin marka aan la isu daraan
waxa iyana meesha taal oo saamayn ku yeelanaysa dhaliilaha iyo fool-xumooyinka
loo tirin karo barnaamijka doorashooyinka qar-qarbada badan oo jirta, taas oo
aanay is le’ekayn baaxadda hawsha iyo waqtiga la hayaa.
Dhinaca dadweynaha marka aad eegto
inkasta oo ay wacgelinta arintaasi caato tahay oo aanay dad badani warba ka hayn
waxa socda, hadana waxaad arkaysaa dad badan oo is daba safan goobaha
hadh-dacaarka leh iyo gidaarada hadh la’ da ah ee wax lagu diiwaangelinayo,
taas oo la odhan karo dadweynuhu dhinacooda way hagar la’yihiin hadii la
hogaamiyo. Laakiin si kasta wax haw jireene waxa barnaamijka diiwaangelinta ka
muuqday mad-madow iyo dhaliilo badan oo u muuqda inay wasakheeyeen kalsoonidii
barnaamijka diiwaangelinta cod-bixiyayaasha oo ah albaabka ugu weyn ee
laga gelayo garoonka ciyaarta.
|
B |
urco (Haatuf):Kulan ay magaalada Burco ku yeesheen ururka dhalinyarada
ee urur-siyaasadeedka ASAD 17-kii bishan ayey ku doorteen hogaanka ururkooda
dhalinyarada, iyadoo ay xubnaha hogaanka ee la doortay ka mid yihiin gudoomiye
iyo laba gduoomiye-xigeen iyo weliba 19 xubnood oo ah guddiga fulinta ururka.
Ururka dhalinyarada ASAD ee Burco waxay
gudoomiye u doorteen C/risaaq Axmed Olol, halka ay gudoomiye-xigeenka koowaad-na
u doorteen, Ismaaciil Jaamac Aadan iyo gudoomiye-xigeenka labaad oo ay u
doorteen Maxamed Cali-sigaar, sidoo kale waxay dhalinyaradaasi xoghaye u
doorteen Cali Xasan X. Diiriye.
Dhinaca kalena sidaku cad qoraal ay ku
saxeexan yihiin gudoomiyaha iyo xoghayaha ururka ASAD ee gobolka Togdheer, 19-ka
xubnood ee ay dhalinyaradaasi u doorteen guddiga fulinta waxay magacyadoodu kala
yihiin:
1-
Axmed
Aadan Maxamed- Af-hayeen.
2-
Aadan
Caydiid Cabdi- Arimaha isboortiga.
3-
Faysal
Jaamac Nuur—Khasnadda.
4-
Axmed
Saleebaan Jaamac—Wacyigelinta.
5-
Cabdi
Ismaaciil Aadan—Xisaabaadka.
6-
Maxamed
Baaruud Maxamed—xubin golaha dhexe
7-
C/raxmaan
Maxamed Mire----=
8-
Shabbac
Jaamac Cabdi---==.
9-
Jaamac
Maxamed Jaamac—Caafiimaadka.
10-
Maxamuud
Ibraahin Maxamed—xubin golaha dhexe.
11-
Siciid
Axmed Xawaadle--- =====.
12-
Muuse
Maxamed Ibraahin--- Arimaha waxbarashada
13-
C/risaaq
yuusuf Cabdi---- xubin golaha dhexe.
14-
Xasan
Aadan Baashe-- Madaxa dhaqaalaha.
15-
Bashiir
Maxamed Cumar--- xubin golaha dhexe.
16-
Kayse
Axmed Cali--- xubin golaha dhexe.
17-
Cabdi
Ayaanle--- xubin golaha dhexe.
18-
Muxiyadiin
C/laahi Dubbe—xubin golaha dhexe.
DHIMASHADII KHADIIJA
Sidaan ogsoon nahay Khadiija waxay ahayd
xaaskii Rasuulka SCW ee ugu horreysey haweenkiisa, carruurtiisa oo dhanna u
dhashay Ibraahim maahee, Rasuulka SCW aad ayuu u jeclaa, aad beyna u garab
istaagtay Rasuulka SCW mar kasta oo u murugoodana way ka baabi'in jirtey
nafteedii, maalkeedii iyo waqtigeediina waxay u hurtay diinta islaamka waxayna
ahayd qofkii labaad ee ay gaaladu ku qaddarin ugana baqi jireen Rasuulka SCW.
Waxay Khadiijo dhimatay waqtigii uu Abii-dhaalib dhintay wax yar kadib.
Khadiijo waxay lahayd fadli aad u tira
badan oo aan la soo koobi karin haddiise aan wax ka mid ah soo qaadanno. Maalin
ayaa malaku Jibriil u yimid Rasuulka SCW markaasuu ku yidhi "Rasuulkii
Allow tani waa Khadiijo oo wadda weel uu ku jiro cunto ama cabbitaan ama iidaan,
hadday kuu timaaddo gaarsii salaan xagga Alle ka timid uguna bishaaree guri
Jannada ku yaalla oo ka samaysan Lu'Lu' oo aan dhib iyo daal lahayn".
Ugu dambayntii Khadiijo wuxu Ilaahay
oofsaday sannadkii 10aad ee soo diritaankii Rasuulka SCW iyadoo jirta 65
sannadood, Nabiguna wuxuu jirey 50 sano, waxayna wada joogeen 25 sano.
Sannadkaas ay iyada iyo Abii-dhaalib dhinteenna waxaa la yiraahdaa Sannadkii
Murugta, waxaana Rasuulka SCW soo foodsaartay dhib aad u weyn maxaa yeelay waa
labadii qof oo ay gaaladu Rasuulka SCW ugaga hakan jireen.
Hase yeeshee Rasuulku SCW iyo asxaabtiisu
uma jixinjixin dhib kasta oo ku timaaddda, Allahna qur'aank ayuu intaa ku soo
dejinayey uu ku boorrinayey iney ku sabraan dhibka ogaadaanna iney cidhibta
dambe iyagu iska leeyihiin. Rasuulka SCW wuxuu sannadkaas 10aad markay Khadiijo
dhimatay Sawda bintu Samca oo ka mid ahayd muslimiintii hijradii labaad ee
dhulka Xabashida qabtay ninkeediina halkaas ku dhintay.
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markay Makka
dacwadii ka soo wadeen 10 sano, juhdi nooc walba ahna ku bixiyeen, shacabkii
reer Makkana wax yar maahee ay ka wada hor yimaaddeen islaamkii, Nabiga SCW iyo
asxaabtiisiina ay Makka ka noqdeen tuke cambaar leh, ayaa Rasuulku SCW wuxuu ku
dhaqaaqay tallaabo kale oo ah in uu dacwadii gaadhsiiyo magaalooyinka kale ee
Makka u dhowaa oo la filayay iney islaamka qaataan, taasoo ah arrinta had iyo
jeer lagu yaqaanno qofka daaciga ah inuusan quusan haddii irrid ka xidhanto
irrid kale uu garaaco, haddii ay meel dacwadii iyo xaqii diiddana ay meel kale
qaadato. Sidaa darteed Rasuulka SCW wuxuu qabtay Daa'if oo Makka u jirta 60 mayl
isagoo uu la socdo seyd binu Xaarith wuxuuna doonayey inuu dacwada gaadhsiiyo
shacabka reer Daa'if.
Rasuulka SCW intuu dhexda sii socday
qabiil kasta oo uu sii maro wuxuu ugu yeerayey islaamka hase yeeshee cidna ma
ajiibin. Markuu gaaray magaaladii Daa'if wuxuu ugu horreyntiiba u tegey madaxdii
reer Daa'if raggii ugu sarreeyey oo ahaa saddex nin oo walaala ahaa oo la kala
odhan jirey Cabdiyaaliin, Mascuud iyo Xabiib ilma Camar ibnu Cumeyr Al-thaqafi
ayey ahaayeen. Wuxuu Rasuulka SCW saddexdaa nin u bandhigay dacwadii islaamka
hase yeeshee waxay noqdeen kuwo ka shar badan kuwii Makka, wuxuuna ku jawaabay
kii u horreeyey "haddaad run sheegeyso oo Ilaah adiga ku soo direy waxaan
jeexjeexayaa maryaha kacbada", kii labaadna wuxuu yidhi "Ilaahay ma
waayey cid kale oo uu soo diro", kii saddexaad wuxuu isna yidhi "kuu
jawaabi maayo haddaad run sheegayso, maxaa yeelay Rasuul uma jawaabi karo,
haddaad Alle ku been abuuranaysana ma mudnid in laguu jawaabo".
Rasuulka SCW markuu saddexdaa nin
jawaabohoodii arkay iyo in ayna xaqa diyaar u ahayn ayuu dadkii u tegey oo
dacwadii u bandhigay uguna tegey qof qof iyo koox koox waxayse noqdeen kuwo ka
dhib badan reer Makka waxayna is gaarsiiyeen inuu Makka ka yimid nin waalan oo
Maxammed la yiraahdo, waxayna ku direen wax ma garatadii, dumarkii, carruurtii
iyo dadkii waalnaa. Markuu Rasuulka SCW damcay inuu ka baxo magaaladiina way
daba galeen iyagoo ku orinaya oo dhagaxyeynaya ilaa uu Nabiga SCW ka baxay
Daa'if isagoo uu dhiiggu ka tifqanayo lugihiisa oo dhibaateysan.
Markuu muddo sii socdey ayuu galay beer
dhexda ku taalley oo 3 mayl u jirtey Daa'if oo ay lahaayeen Cutba ibnu abii
Rabbiica iyo walaalkiis Sheyba ibnu Rabbiica oo odeyaashii Makka ka mid ahaa.
Geed ayuu Nabigu SCW hoos fadhiistay, Cutba iyo Sheyba markay arkeen Nabiga SCW
oo dhib aad u weyni ka muuqdo geedna hoos fadhiistay ayey wiil nasraani
(christian) ahaa oo uu shaqeynayey magaciisana la odhan jirey Caddaas ugu
dhiibeen xoogaa canab ah oo ku yidhaahdeen "ninka geedkaas hoos fadhiya u
gee". Rasuulka SCW markii canabkii loo keenay ayuu ku bilaabay BISMILLAH,
wiilkii ayaa yaabay oo yidhi 'waa kalimad aan halkaan laga aqoon",
markaasaa Rasuulka SCW ku yidhi "xaggee ka timid?", Caddaas ayaa yidhi
"waxaan ka imid Neynawi (magaalo shaam ku taal)", markaasaa Rasuulku
SCW ku yidhi "waxaad ka timid magaaladii ninkii saalixa ahaa ee Yuunis ibnu
Mataa". Caddaas intuu yaabay ayuu yidhi "sidee ku ogaatay?",
Nabiga SCW wuxuu yidhi "waa walaalkay, isna waa Nabi, aniguna Nabi baan
ahay' markaasaa Caddaas Rasuulka SCW ku soo boodey oo lugaha iyo gacmahaba ka
dhunkaday. Cutba iyo Sheyba oo meeshoodii ka daawanayey ayaa midkood kii kale ku
yidhi "Maxammed wiilkii waa kaa fasahaadiyey". Markuu Caddaas iyagii u
soo laabtay waxay ku yidhaahdeen "war hooge maxaad samaynaysey?"
Caddaas wuxuu yidhi "ninkaas wax ka kheyr roon dhulka ma joogo maxaa yeelay
arrinkuu ii sheegay nin aan Nabi ahayni kama war hayo" markaasay ku dhaheen
"diintaadaa ka wanaagsan diintiisee yuusan kaa jeedin".
Intaas ka dib Rasuulka SCW meeshii ayuu
ka tegey isagoo dhinaca Makka u sii luudaya, waxaa markaa Rasuulka SCW u yimid
malaku Jibriil oo ku yidhi: "Maxamedow, Alle waa la socdaa waxa dhib ah ee
ku soo gaaray iyo waxay dadkaasi kugu sameeyeen, wuxuuna Alle kuu soo direy
malaggii Buuraha si aad u amarto waxaad (qowmkaaga) ka damacdo, malaggii buuraha
doonto, haddaad doonto waan ku baabi’in labada buurood, (reer Makka), Rasuulku
SCW markii amarkaas la siiyey wuxuu ku jawaabay akhlaaqdiisii naxariista iyo
wanaagga badneyd wuxuuna yidhi "iska daaya hadday iyagu xaqii qaadan
waayeen waxaa la arkaa kuwo dhabarkooda ku jira iney ilaahay caabudaan",
sidii ayeyna noqotay oo in badan oo iyaga ka mid ah ayaa aakhirkii xaqii qaatay.
Dabadeed Rasuulku Makka ayuu soo qabtay,
markuu marayo Makka duleedkeeda ayuu meeel fadhiistay isagoo ka fekeraya siduu
Makka ku geli lahaa, maxaa yeelay odeyaashii qureysheed ma aysan oggoleyn in
Nabiga SCW ay dacwadiisu Makka dhaafto, sidaa darteed haddii ay maqlaan in
Nabiga SCW uu Makka dhaafay oo reer Daa'if iyo qabaa'ilkii baadiyaha u tegey
arrintu way qadhaadh tahay, sidaa darteed Rasuulka SCW wuxuu u cid dirsaday oo
uu magangelyo weydiistey Akhnas ibnu Subery hase yeeshee wuxuu Akhnas yidhi
"waxaan ahay xiliif, xiliifna wax ma magan geliyo", ka dib Rasuulku
wuxuu la xidhiidhay Suheyr ibnu Camar oo uu magangal weydiistey hase yeeshee
Suheyr dib Rasuulka SCW wuxuu yidhi "Bini Caamir wax kama magan geliyaan
bini Kacab". Markaa ka dib Rasuulka SCW wuxuu la xidhiidhay Mudcim ibnu
Cadiyyi oo uu sidoo kale magangal weydiistey, Mudcam wuu ka yeelay wuxuuna
qaatay hubkiisii, wiilashiisiina wuu hubeeyey, Rasuulkana wuxuu ku yidhi
"soo gal", markuu Rasuulku soo galay oo kacbada dawaafayey isaga iyo
wiilashiisii ayaa hareeraha ka istaagay ogeysiisna wuu bixiyey oo wuxuu yidhi
"Maxammed aniguu magantayda yahay", markaasaa Abii-jahal, oo siduu
Rasuulku SCW sheegayba ahaa fircoonkii ummaddaan, aadna u necbaa inuu qof
islaamo, ayaa Mudcim ku yidhi 'ma magan gelisay mise waad raacday?". Mudcim
wuxuu yidhi 'maan raacine waan magan geliyey', markaasaa Abii-jahal yidhi
"waa yahay ninkaad magan gelisey waa magan gashan yahay.
Rasuulka SCW wuu qiray Mudcim abaalkaas
uu u galay maalinkii Badarna markuu qafaashay 70 gaalo ah wuxuu yidhi
"hadduu Mudcim noolaan lahaa oo kuwaan iga codsan lahaa waan u sii deyn
lahaa".
Dheelmintii Rasuulka SCW waa la isku
khilaafaa waqtigii ay ahayd ama sannadkii ay dhacday. Waxayna culimada qaarkood
weriyaan inay hal sano ka hor hijrada ahayd, qaarna waxay weriyaan in ay hal
sano iyo laba bilood ka horreysey hijrada, qaar kalena waxay weriyaan waqtiyo
kale oo kala duwan. Hase yeeshee Allaah ayaa garanaya waqtiga saxa ah, mana ku
soo aroorin qur'an iyo axaadiis saxiix ah oo ka hadlaya waqtigay ahayd.
Sidoo kale waxaa la isku khilaafaa inta
jeer oo Nabiga SCW la dheelmiyey, laakiin sida saxiixa ah oo culimadu u badan
tahay, adilladana laga fahmayo waxa weeye in hal mar la dheelmiyey. Sidoo kale
waxaa iyadana khilaaf ku jiraa habkii loo dheelmiyey iyo waxyaabihii uu Rasuulku
SCW habeenkaa soo arkay, kutubaha qaarkood markay arrimahaas ka hadlayaan waxay
soo arooriyaan arrimo badan oo sixadooda aan la hubin loona baahnayn in la iska
dhex dabbaasho.
Rasuulka SCW waxaa la dheelmiyey
jasadkiisa iyo ruuxdiisa sida saxiixa ah. Waqti habeennimo ah ayaana la
dheelmiyey, waxayna saxiixaynku wariyeen in Rasuulka SCW markii la dheeelminayey
malaku Jibriil uu guriga saanqaafkiisa ka soo galay oo jeexay xabadka Rasuulka
SCW soona bixiyey galbigiisa kuna dhaqay biyo samsam ah oo ka buuxiyey xikmad
iyo iimaan. Waxaana laga dheelmiyey masjidka Xaramka ah ilaa Beytul-Maqdis.
Rasuulku SCW wuxuu sarnaa Buraaqo, waxaana la socday Jibriil. Wuxuu Nabiga SCW
ku degey Baytul-Maqdis oo uu halkaa ku tujiyey anbiyadii, buraaqadiina waxaa
lagu xidhay masaajidka albaabkiisa. Ka dib wuxuu ka baxay Baytul-Maqdis isaga
iyo Jibriil isla habeenkiiba, waxayna tageen oo koreen samadaan dhow. Ka dib
Jibriil ayaa dalbay in laga furo (Albaabka samada) waana laga furay.
Nabiga SCW wuxuu samada 1aad ku arkay
Nabi Aadam, wuuna salaamay, isna wuu ka qqabtay oo wuu soo dhoweeyey.
Wuxuuna Allaah Rasuulka SCW tusay
dadkii wanaagsanaa arwaaxdoodii oo dhinaca midig ka taalla Nabi Aadan, iyo kuwii
xumaa oo dhinaca bidix ka yaalla. Ka dib wuxuu tegey samada labaad oo uu ku
arkay Nabi Yaxye iyo Nabi Ciise. Markaasuu la kulmay oo salaamay, iyaguna waa ka
ajiibeen salaantii wayna soo dhoweeyeen. Samada saddexaad ayuu markaas u gudbay
wuxuuna ku arkay Nabi Yuusuf, wuu salaamay isna waa ka ajiibey, waana soo
dhoweeyey. Ka dib wuxuu koray samada 4aad, wuxuuna ku arkay Nabi Idriis, wuu
salaamay, isna waa ka aqbalay, wuuna soo dhoweeyey.
Ka dib samada 5aad ayuu koray oo uu ku
arkay Nabi Haaruun, wuu salaamay, isna waa ka qqabtay waana soo dhoweeyey.
Samada 6aad ayuu dabadeed koray halkaas oo uu ku arkay Nabi Muuse, wuuna
salaamay, isna waa ka ajiibay waana soo dhoweeyey. Markuu Rasuulku SCW ka tegey
Nabi Muuse ayaa ooyey. Markaasaa lagu yidhi "maxaa kaa oohiyey", wuxuu
yidhi "waxaa iga oohiyey wiil gadaashay la soo diray oo ummaddiisa jannada
gelaysaa ay ka badan tahay ummaddayda jannada gelaysa". Ka dib wuxuu
Rasuulka SCW koray samada 7aad oo uu kula kulmay Nabi Ibrahim, wuu salaamay,
isna waa ka qqabtay waana soo dhoweeyey.
Nebiga SCW ka dib waxaa loo kor yeelay Sidratul-Muntaha dabadeedna waxa loo sii kor yeelay Baytul-Macmuur. Intaa ka dib Allaah ayuu u sii koray oo la hadlay. Waxaa asxaabtii Rasuulka SCW isku khilaafeen in Nabiga SCW arkay habeenkaas Rabbigiis iyo in kale. Waxayse asxaabta badankoodu ku tageen, nusuusta iyo adilladuna tusinayaan in uusan Nabigu SCW Rabbigiis arag ee uu nuur arkay, sidaa xadiiska ay saxiixaynku wariyeen markii la waydiiyey Rasuulka oo lagu yidhi: "Rabbigaa ma aragtay? Wuxuu yidhi nuur baan arkay.
Rasuulka SCW markuu Ilaahay u tegey waxaa
isaga iyo ummaddiisa lagu soo farad yeelay 50 salaadood, hase yeeshee markuu la
soo laabtay ayuu la kulmay Nabi Muuse. Markaas ayaa Nabi Muuse ku yidhi
"maxaa lagu soo amray?" wuxuu Rasuulku SCW yidhi "50
salaadood". Wuxuu yri Nabi Muuse "ummaddaadu ma karto intaas ee
Rabbigaa ku laabo oo weydiiso in laga fududeeyo ummaddaada". Rasuulka SCW
sidii ayuu yeelay oo Rabbigiis ayuu la hadlay, waxaana laga soo dhimay 10
salaadood. Hase yeeshee markuu Muuse ku soo laabtay ayuu Muuse mar labaad sidii
oo kale celiyey, Nabiguna SCW waa laabtay. Sidaa ayuuna Rasuulka SCW waa
laabtay. Sidaas ayuu Rasuulka SCW ugu dhexeeyey Muuse iyo Rabbigiis ilaa 5
salaadood laga soo reebay. Markaasuu mar kale Muuse celiyey, hase yeeshee
Rasuulka SCW wuxuu yidhi "waan ka xishoonayaa Rabbigay, intan ayaanna ku
raalli ahay oo ugu hoggaansamayaa".
Rasuulku SCW isla habeenkiiba wuxuu ku
soo laabtay Makka, subixii markuu waagu baryeyna wuxuu u tegey qureysh oo u
sheegay in la dheelmiyey. Laakiin qureysh waxay arrintaas ka qaadeen carar,
waxayna weydiiyeen Nabiga SCW inuu u tilmaamo Baytul-Maqdis oo ay aqoon u
lahaayeen. Allaah ayaa markaas Rasuulkiisa u muujiyey Baytul-Maqdis, Rasuulkuna
waa uga warramay oo si fiican ayuu ugu tilmaamay, iyaguna wax tilmaamahaa ka mid
ah kuma diidin, noloshiisana Rasuulka SCW ma tegin Beytul-Maqdis markaan mooyee.
Waxaa kale oo Nabiga SCW uu qureysh uga warramay safarkoodii oo uu dhexda ku soo
arkay iyo weliba waqtiga uu ku soo beegan yahay Makka iyo ratigii u soo
horreeyey. Intaas oo dhan waxay noqdeen siduu Nabigu SCW u sheegey, hase yeeshee
qureysh uma siyaadin wax aan ka ahayn kufri iyo gaalnimo, waxaa kale oo shakiyey
markay qisadaan maqleen kuwa muslimiinta ka mid ahaa wayna riddoobeen, waxaana
lala laayey Abii-Jahal.
Hase yeeshee dadkii iimaanku dhabta ka
ahaa oo yaqiinsanaa in Allaah subxaanahu watacaalaa uu wax walba awoodo,
Maxamedna SCW uu yahay Rasuulkiisii, aysanna dhici karin in uu Allaah ku been
abuurto waxa ay arintaani u siyaadisay imaan iyo taqwo sida Abuu-Bakar siddiiq
oo markii ay gaaaladu warkii ula yimaadeen ku yidhi: "waa run", waxay
yidhaahdeen: "ma waxaad u rumaynaysaa in uu xalay tagay Baytul Maugdis kana
soo laabtay waagii oo aan baryin" wuxuu yidhi: "waxaan u rumeeyaa wax
taa ka fog oo ah khabarka samada uga yimaada subax iyo galaba", sidaas ayaa
marka Abuu-Bakar kula baxay siddiiq.
Rasuulka SCW wuxuu habeenkaas la
dheelmiyey soo arkay arrimo waa weyn oo Ilaahay aayaadkiisa ka mid ah siduu
Alleba ku sheegay aaayaddaan.
((XAQIIQDII WUXUU ARKAY AAYAADKII
RABBIGIIS EE WAAWAYNAA)), (Suuratu-Najmi 18).
Arrimuhuu Rasuulka SCW arkay habeenkaas
waxa ka mid ahaa malaku Jibriil oo uu ku arkay suuraddii Alle ku abuuray isagoo
leh lix boqol oo garab, sidoo kale wuxuu arkay oo tilmaamay webiga Kawthar ee
Jannada ku yaal, sidoo kale wuxuu tilmaamay Siiratul Muntahaa iyo caleenteeda,
Beytul Macmuur oo ku yaal samada toddobaad iyo habkay malaa'iktu u takto oo ugu
tukato. Allena isagoo arrimahaas wax ka tilmaamaya waxa uu yidhi:
((XAQIIQDII WUXUU (NABIGA) ARKAY JIBRIIL
MAR KALE, (OO UU KU ARKAY ) SIDRATUL-MUNTAHAA AGTEEDA, AGTEEDANA WAXAA AH
JANNATUL-MA'WAA, WAQTI UU DABOOLAY SIDRADA WIXII DABOOLAY, (NABIGA) ARAGIISUNA
MATAGIN MANA XAD GDUBIN)), (Suuratu-Najmi 13-17).
Sidoo kale Rasuulka SCW wuxuu soo arkay
habeenkaas la dheelmiyey dad la cadaabayo sida kuwa dadka xanta, iyagoo leh
ciddiyo bir ka samaysan oo wejiga iyo xabadka iska diiranaya.
Sidoo kale waxaa Rasuulka SCW habeenkaas
malaku Jibriil u keenay saddex weel oo ay ku kala jiraan caano, malab, iyo
khamri wuxuuna cabbay kii caanuhu ku jireen markaasaa malaku Jibriil ku yidhi:
"waa fitradii", sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW habeenkaas maqlay
sharqanta qalimaanta maal'igta.
Xaafada Axmed Dhagax oo si Weyn U Soo
Dhaweysay Ururka Kulmiye Iyo Gudoomiyahooda