Haatuf News

 Issue: 209 ______________Taariikh: November 24, 2002

 Kacaankii Dhergiga

Tasfaaye: ka dib markii ay dhamaatay xafladii lagu sii sagootiyay safarkii madaweynuhu ugu baxay Jarmalka nin waliba wuu qada tagay, laakiin intii aanu ka shakisanayn waxay isugu tageen, wasaaradda gaashaandhiga oo ay ku shireen, waxaana taarkii halkaa yiil la nooga soo gudbinayay hebel baa galay iyo hebel baa yimid, oo xataa waxa taarka la nooga soo sheegayay numbarada baabuurta ay wateen.

General Faantu Balaay waxa uu ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee aanu ka shakisanayn, waxaase noo cuntami weyday sababta uu Generaalada halkaa iskugu yimid ula shirayo waayo isagu wuxuu markaa ahaa wasiirka wershadaha. Xiligaa waxaan diray xoghayntayda oo aan u diray guriga wasiirka gaashaandhiga, laakiin waa la soo waayay, haddana waxaan u diray xafiiskiisa kaana waa laga soo waayay, waxaase laga soo helay xafiiska hanuuninta oo ku yaalay madaxtooyada gudaheeda, dabadeedna waxaan ku idhi ‘taliye waxaan kaa doonayaa xafiiskayga” wuxuuna iigu jawaabay “hadhaw shanta galabnimo haddii aynu kulano ka waran, imika arrin adag ayaan hayaaye”, dabadeedna waxaan ku idhi “taliye aniguba waxaan kuugu baahnahay arrin aad iyo aad u adag oo degdeg ah fadlan kaalay”.

Intaa ka dib waxaan telefooniyay gaashaanle Mangestu Gamaaju oo ahaa gacanyaraha khaaska ah ee madaxweynaha, isla markaana marka uu madaxweynuhu maqanyahay guutada khaaska ee ilaalada madaxtooyada isaga oo qudha ayaa amar siin karayay, maalintaasna xanuun dartii ayuu u raaci kari waayay madaxweynaha oo uu uga hadhay, dabadeedna markii aan baadi doonay waxaan helay isagoo gurigiisa jiifa, laakiin telefoonka waxa iga qabtay gabadh yar oo aan doonayn inay ii toosiso, waxayna igu tidhi “wuu xanuunsanayaa oo wuu jiifaa”, waxaan haddana ku idhi “sida uu doono ha ahaadee ii toosi”, dabadeedna telefoonkii ayaa loo dhiibay isaga, waxaana ku idhi “arrin aad iyo aad u weyn ayaa jirta oo aan kuu doonayaa, markaa gurigaaga ayaan kuugu imanayaaye jiifka ka kac, oo adigoo diyaar ah oo direyskaagii xidhan aan kuu imaado”. Gamaajuu wuxuu dhex deganaa xafiiska ururka Dhergiga. Dabadeedna waxa kale oo aan u yeedhay General Xayle Gorgis, ka dibna saddexdayaduba halkaasaanu ku kulanay, waxaana uga waramay arrinta jirta oo aan ku idhi “waxaan u malaynayaa inay saraakiisha sar sare inqilaab damacsanyihiin, wakhtigan xaadirka ahna waxay ku shirayaan xarunta wasaaradda gaashaandhiga, shirkaasna waxaan u malaynayaa inuu yahay shirkii ay inqilaabka ku qorshaynayeen laakiin maadaama aad adigu tahay wasiirkii gaashaandhiga ma kuu sheegeen shirka ay qabanayaan iyo waxa uu ku saabsanyahay, ta kale shirkan waxa ka qayb galaya General Faantu Balaay, (wasiirka ganacsiga) sideebaad taa u aragtaa”, wuxuuna ku jawaabay “maya anigu umaan fasaxin in shirkaa lagu qabto xarunta gaashaandhiga isla mar ahaantaana waxba kama ogi shirkaa iyo waxa uu ku saabsanyahay iyo ka qayb galka General Faantu Balaay toona”, dabadeedna waxaan ku idhi “xafiiskaagii ku noqo oo arrintan weydii saraakiisha aad wada shaqaysaan oo hubi sida ay xaqiiqdu tahay waayo haddii anagoon aan waxba ogayn oo aanu nidhaahno waa inqilaab taasi ma fiicna, balse waa inaynu si cad u aragnaa calaamado sheegaya inuu inqilaab yahay”, intaa markii aanu isnidhi Generaalku waxa uu ku laabtay wasaaradiisii gaashaandhiga, aniguna waxaan ku laabtay xafiiskaygii, gaashaanle Mangistu Gamaajuu isna wuxuu diyaariyay guutadii ilaalada madaxtooyada.

Wax yar ka dib gaashaanle Mangistu Gamaajuu ayaa qof ii soo diray wuxuuna igu yidhi “ General Xayle Gorgis (wasiirka gaashaandhiga) halkeebuu joogaa?”, waxaana ku idhi “waxaan u malaynayaa inuu yeelay sidii aynu ku balanay oo uu tagay xarunta wasaaradda gaashaandhiga, balse aan hubin0” ka dibna waxaan la hadlay oo aan weydiiyay wasaaradii gaashaandhiga, ma joogo ayaa nalagu yidhi, laakiin woxoogaa ka dib ayuu yimid wasaaraddii, markaasaan ku idhi xageed ku maqnayd waaba lagu waayee, wuxuuna noogu jawaabay “markii hore waxaan sii maray wasaarada gaashaandhiga, ka dibna waxaan tagay gurigaygii, arrintii aad haddeer ii sheegaysanee way jirtaa” dabadeed waxaan u celiyay “sideebaad ku garatay inay jirto?”, wuxuuna yidhi “waxaan tagay xafiiskayga, dabadeedna xoghayahayga ayaan weydiiyay shirkan jiraa waxa uu yahay iyo waxay qabanayaan nimankan meesha ku shirayaa, wuxuuna igu yidhi la iima sheegin waxa uu yahay, dabadeedna waxaan isku dayay inaan tago hoolka shirku ka socdo oo aan hubiyo waxa uu shirku ku saabsanyahay, laakiin

 Xoghayahayga ayaa igu yidhi halkaa ha isku tegin khatar baa ka jirtee, sababta aan u raagay taas ayay ahayd arrintuna way jirtaa, waana arrin cabsi leh oo xataa hoolkii ayaan gali kari waayay”.  Laakiin xoghayaha wasiirka gaashaandhiga oo ahaa Sahaay Maragu Shalaqa wuxuu taageersanaa inqilaabka, taasna waxaanu ku ogaanay markii aanu baadhitaan ku samaynay. Ganat: Nimankii Inqilaabka samaynayay ma waxaad leedahay waxba iima sheegin intii aanay arrinta ku talaabsan?

Tasfaaye: Haa waxba iima sheegin haba yaraatee.

Ganat: laakiin kornayl Mangistu Gamaajuu aad ayuu uga shaki qabaa inaad wax ogayd taa ka waran?

Tasfaaye: isagu wuu shakiyi karaa, wuxuuna u hadlay ama u waramay sidii nin suuqa jooga oo kale, laakiin waxay ahayd inuu u hadlo ama u waramo sidii nin madax ah, waxaasina waa been waayo haddii ay run ahaan lahayd waxaa jiray niman ilaa bilawgii iyo dhamaadkii inqilaabka wax ka soo waday maxay u hadli waayeen oo haddii ay taasi jirto u sheegi waayeen.

Ganat: Raggii inqilaabka ku jiray waxaa ka mid ahaa General Faantu Balaay dabadeedna waxa la yidhi inuu baxsado ayuu doonayay laakiin waxaa la sheegaa inaad adigu dil ku fulisay, taa ka waran?

Tasfaaye: Taasi sida ay u dhantahay been weeyi, laakiin marka runta la sheego haddii ay igu odhan lahaayeen na soo raac oo garab na sii oo ay markoodii hore arrinta igala tashan lahaayeen may fashilmeen.

Ganat: Ma waxaad leedahay haddii aan inqilaabka kula jiri lahaa may fashilmeen?

Tasfaaye: Haa haba yaraatee muu fashilmeen, isla markaana maadaama aanu in badan nimankaa soo wada shaqaynay waxba kumaan diideen haddii ay arrinta ii soo bandhigaan. Balse maalin qudha ilamay soo qaadin arrin la xidhiidha inqilaabkaa, haddiise ay ii sheegi lahaayeen markiiba waan ku raaci lahaa balse way iga baqeen.

Ganat: waxa la yidhaahdaa waxaad u khaarajisay si aanu sirtaada kaaga fashilin, taasi ma jirtaa ?.

Tasfaaye: Waayo, waayo maxaad sidaa ii leedahay, taas haba yaraatee waxba kama jiraan oo waa been, isla markaana kooxda baadhayaasha ah ee arinkan baadhista abaabulay si kasta way yeeleen oo waxba way iga waayeen, aniguna markii ay wax baadhayeen meel kasta iyo wax kasta oo xafiiskayga iyo aniga u khuseeya waxaan ugu fasaxay si madax banana, waayo waxaan jirin wax dembi ah oo aan isku ogahay, laakiin waxaan iswaydiiyaa tolow maanta sidee bay arintu ahaan lahayd hadii aad berigii ka shaqayn lahayd sidii Mingistu kursiga looga tuuri lahaa.

Ganat: Iminka miyaad isku ciil-kaambidaa arintaa ka qayb gelid la’aanta ridista Mingistu ?.

Tasfaaye: Haa aad iyo aad baan isugu  ciil-kaambiyaa.   

Ganat: Dhawr maalmood ka hor intii aanay Yahaadhigu dalka soo gelin waxa la sheegay inaad saraakiisha ku amartay inaanay dalka ka bixin, markaa waxay dad badani yidhaahdaan haddaad berigaa iska sii dayn lahayd maanta may xidhxidhnaadeen, taa maxaad ka odhan?……….

 

 

Gudiga doorashooyinku yaanay dhinac u xaglin

Anigoo ka mid ah musharaxiinta golaha deegaank hargeysa ee ururka ASAD, waxaan gudiga doorashooyinka qaranka u soo jeedinayaa ama kula talinayaa inay ka digtoonaadaan ama aanay ku kicin talaabooyin ku lid ah hanaanka dimuqraadiyada iyo talo wadaaga ee geedi socodka hawsha doorashooyinka, sidaa darted waa inay noqdan gudi dhex ah oo cadaalad ku shaqeeya, waayo waxay cadaalad darro iiga muuqatay qaabkii ay u magacaabeen gudiyada doorashooyinka degmooyinka qaarkood, taasoo xubno ka mid ah gudiga doorashooyinka oo hore u magacawnaa inta meesha laga saaray lagu bedelay rag ka mid ah musharaxiinta UDUB.

Arrintaasi waxay ka dhacday degmada Bali-gubadle, taas oo ay gudiga doorashooyinka qaranku markii hore gudoomiyaha gudiga doorashada degmada Bali-gubadle ay ka dhigeen cabdilaahi x. Xuseen Caraale laakiin waxaa mar dambe lagu bedelay nin musharax u ah golaha deegaaanka ee Bali-gubadle ee ururka UDUB. Sidoo kale waxa meesha laga saaray Ismaaciil Cabdi Daahir oo markii hore ka mid ahaa xubnaha gudiga doorashooyinka degmada waxaana la aaminsanyahay inay arrimahaasi ku yimaadeen faro galin ka timid dhinaca xukuumada iyo hogaank ururka UDUB, sidaa awgeed gudiga doorashooyinku waa inay noqdaan kuwa ku shaqeeya cadaalad iyo dhexdhexaadnimo, isla markaana waa inaanay u muuqan niman cid u shaqeeya ama u dhega nugul.

Ibraahim Gaydh Faarax Hargeysa

 

Hadalka Wasiirku Galka Ma Le’eka, umana Eka

Tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda 1991kii ilaa maanta muran kama taagna inay dawladaha carabtu dhabark u soo jeediyeen mujtamaca reer Somaliland iyo qadiyadooda madaxbanaanida, waxaana taa daliil u ah xayiraadaha ay goor walb saaraan ganacsiga xoolaha, taasoo la aaminsanyahay inay tahay cuna-qabatayn la xidhiidha arrimo siyaasadeed. Sidaa darted marka dhinacyo dhawra laga eego waxa la odhan karaa dawladaha carabtu uma hambayn dadka reer Somaliland dhinac siyaasadeed iyo dhinac dhaqaaleba. Hase yeeshee waxaan la yaabay weedhihii uu dhawaan ku tiraabay wasiir ka tirsn xukuumada Somaliland, taasoo uu yidhi waxaan soo jeedinay indhihii carabta ee inaga sii jeeday, waxaanse taa kaga jawaabayaa maha wax lagu baano mucaawino yar oo faro guudkood ah.

Dawladaha carabtu indhahooda way ka laliyeen Somaliland, sidaa darteed caawimada yar ee uu sheekh Saa’id ma noqon karto guul siyaasadeed oo ay xukuumada Somaliland ku soo jeedisay indhaha dawladaha carabta, waxaynanu ognahay in kaalmada yar ee Somaliland soo gaadhay qayb ka ahayd deeq ay inteeda badani ka degtay muqdisho ee aanay ahayn wax u gaara Somaliland, laakiin xukuumada Somaliland haddii ay indhaha carabta soo jeedinayso waa looga fadhiyaa, waxaase la odhan karaa hore ugama ay shaqayn oo may qaadin talaabooyin wax ku ool ah oo ay ku wanaajinayso xidhiidhka tasoobay ee Somaliland iyo dunida carabta. Haddaba waxaan leeyahay hadalka wasiirku wuxuu ka dhigan yahay seeftu galka ma le’eka umana eka, sidaa darteed xukuumada Somaliland haddii ay hadda ka dib ku guulaysato indhaha dunida carabta waanu u hambalyayn doonaa.

Maxamed Ibraahim Sagax Hargeysa

 

Waa in Wax la Ii Qabtaa

Anigoo ah nin dhibaataysan oo marar badan codsaday I wax la ii qabto laakiin aan hore wax la iigu qaban oo dhegaha la iga furaystay.

Waxaan la shaqeeyay weftigii nabadaynta ee gobolka Sool waxaananu ku heshiinay in dhakhtar dibadeed la ii diro, sidaa darteed waxaan doonayaa inay dawladda Somaliland iyo weftigaasi arrintayda wax ka qabtaan haddii kale waxay noqonaysaa in la I xaasidayo.

Anigu waxaan ahay ninka dhakhtar dibadeed codsanayay muddo 12sanadood ah taasoo waxaan u baahanahay ay tahay nooliga diyaarada iyo kharashka dhakhtarka laakiin aan hore waxba loogu qaban, sidaa darteed haddii aad tihiin kuwo nabad gelyo iyo wanaag u baahan waa in intaa la ii qabto, ilayn wadan dhan oo ay maalin walba ay ka soo baxdo malaayiin dollar intaa la iim waayine, haddii kale waa la ii quudhi waayay, haddii aad waxba ii qaban weydaan waa in idinka kala daadin doonaa wanaaga iyo nimcada.

Mujaahid Cumar Asqo

 

 

 

Maxaynu ku baranay cutubka 6aad?

 

Cutubka 7aad

7. Qaab dhismeedka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland

Qaab-dhismeedka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka kooban yahay saddex waxood oo kala madax-bannaan oo isla markaana xidhiidh distoori ah leh. Waxa ay kala yihiin; golayaasha sharci-dejinta, golaha fulinta, iyo garsoorka.

Waxaanu cutubkan si kooban ugaga faaloon doonaa saddexdaa waaxood waxyaabaha ay ka kooban yihiin iyo xilalka ay mid waliba leedahay. Waxaad ka heli kartaa sawirkan soo socda.

 

Qaab-dhismeedka Jamhuuriyadda Somaliland.

Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland

 

Waaxda sharci-dejinta

Golaha guurtida

Golaha wakiilada

Golaha degaanka

 

Waaxda fulinta

Madaxweynaha iyo m/ku-xigeenka

Golaha wasiirada

Laamaha dawlada

 

Waaxda garsoorka

Maxkamadda sare ee qaranka

Maxkamadda rafcaanka

Maxkamadda gobolka

Maxkamadda degmada

 

 

7.1. golaha fulinta

golaha fulintu waxaa uu ku kooban yahay;

·         Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka

·         Golaha wasiirada

·         Iyo dhamaan laamaha xukuumadda iyo hay’adaheeda madaxa bannaan.

 

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka waxaa soo doorta dadweynaha. Waxaanay xilka hayaan muddo dhan shan sanadood.

 

7.2. garsoorka

golahayaasha sharci dejintu waxaa ay ka kooban yihiin; golaha guurtida, golaha wakiilada iy golaha degaanka.

Golaha guurtida iyo golaha wakiiladuba waa heer qaran.

 

7.3.1. golaha degaanka

sida uu distoorku dhigayo ee ku goalha degaanku waa gole sharci dejineed.

 

7.3.2. Waa maxay dhismaha maamulka golha degaanku?

Sida uu qeexayo xeerka gobolada iyo degmooyinka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 21aad ee dhismaha maamulka golaha degaanku waa;

  1. guddida fulinta degmo
  2. gole degaan degmo
  3. guddi hoosaadyo iyo guddiyo tuulooyin oo hoos yimaada golaha degaanka degmada

 

7.4. Waa maxay hawlaha golayaasha degaanku?

Sida ku cad xeerka gobollada iyo degmooyinka jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 22aad, hawlaha golaha degaanku waa:

  1. Inay gaadhaaan go’aano ay ku xaqiijinayaan gudashada xilalka iyo waajibaadka ka saran dhammaan hawlaha loo dhisay golaha degaanka.
  2. Inay ka dhaqangeliyaan degmada gudaheeda hawlaha sharcigani ku waajibiyay.
  3. Inay qaadaan tallaabooyin ku saabsan kor u qaadida iyo kobcinta dhaqaalaha degmada
  4. Inay dhawraan tilmaamaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo siyaasadda guud ee qaranka
  5. inay wada shaqayn buuxda la yeeshaan hay’adaha dawladda dhexe, gobol iyo heer degmaba.
  6. fulinta xeerarka shuruucda iyo go’aamada ka soo baxa golayaasha qaranka.

 

7.4.1. waa maxay waajibaadka golayaasha degaanka qaranku?

Sida ku cad xeerka gobollada iyo degmooyinka jsl qofobkiisa 2aad

Waajibadka golayaasha degaanku waa:

1.       Daryeelka fayo-dhawrka guud iyo gaar ahaan nadaafadda magaalooyinka iyo ka hortaga cudurada faafa.

2.       Aas-aasida suuqyo badeeco iyo kuwa xoolaha

3.       Kormeerka dhismooyinka cusub, kuwa la cusboonaysiinayo iyo kuwa uu baahan in la dumiyo.

4.       Ka-hortagga dhibaatada abaarta, dufaanada, dabka halista ah iyo dhibaato kasta oo wax u dhimi karta dadweynaha.

5.       Daad-guraynta dadweynaha haddii ay aafo dhacdo.

6.       Diyaarinta iyo fulinta mashaariicda ama barnaamijyada lagu hoggaaminayo dadweynaha xaga caafimaad, dhaqaale, ama bulsho.

7.       Kordhinta tacabka wax soosaarka iyo abuurida ilo dhaqaale iyo daryeelka hantida umadda.

8.       Dhismo dugsiyada aaas-aasiga ah kuwa qur’aanka iyo maamulkooda.

9.       Dhimha xarumha xannaanada hooyada, dhallaanka iyo maamulkooda.

10.   Dhismo dugsiyada xannaanada caruurta, kuwa horumarinta qoyska iyo maamulkooda.

11.   Dhismaha iyo horumarinta hawlaha ilayska magaalooyinka degmada

12.   Horumarinta fanka, isboortiga iyo suugaanta

13.   Dhisme goobo biyood oo magaalooyinka iyo tuulooyinka dhexdooda ah.

14.   Samaynta iyo dayactirka waddooyinka dhex mara magaaloyinka degmada

15.   Bilicsamida magaalooyinka iyo tuulooyinka iyo codsiga oo jeedinta naqshadaha degsiimooyinka degmadu ka kooban tahay.

16.   Diiwaangelinta dadweynaha degmada iyo xafidaada diiwaanada dhalashada, dhimashada, guurka, furiinka iwm

17.   Diiwaangelinta hantida ma guurtada ah ee dadweynaha degmada ku nool.

18.   Habaynta iyo ilaalinta maritaanka wadooyinka dhexmara magaalooyinka degmada

19.   Habaynta iyo aas-aasida goobo ganacsi iyo farsamo oo loogu danaynayo dadweynaha

20.   Maamulida mashaariicda lagu fulinayo iska-wax-u-qabso

21.   Habaynta hawlaha aasida

22.   Ilaalinta degaanka (bii’adda)

23.   Noolaynta shaa’irta islaamiga ah, waddaniga iyo caalamiga ah.

 

7.4.2. Waa maxay awooda golayaasha degaanku?

Sdia ku cad xeerka gobolada iyo degmooyinka jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 24aad awooda golayaasha degaanku waa;

·         In uu bixiyo kharashkaloo baahdo kana yimaada fulinta hawlaha maamul degmo

·         In uu soo saaro go’aano la socon kara sharcigan iyo shuruudaha kale ee dalka oo la xidhiidha arrimaha maamulka nbadgelyada iyo horumarka degaankooda

·         Inuu xaqiijiyo ururinta canshuuraha, qaraamaadka iyo wixii xuquuq kale ah oo sharcigan ama shuruuc kale awood u siinayaan maamulka degmada.

 

Mario Jardel oo dib ugu soo noqday ciyaarihii Sporting Lisbon

Ciyaaryahanka Mario Jardel ayaa dib ugu noqday kooxdiisa Sporting Lisbon, kadib markii uu Kooxdaasi ku soo rogtay xayiraad ka timid isagoo soo mari waayay baadhid caafimaad oo looga baahnaa inuu soo dhamaysto xilli-ciyaareedka ka hor.

Mario Jardel oo ahaa gool-dhaliyihii ugu goolasha badnaa ciyaarhii kal hore oo dhaliyay 42-gool, waxaanu tartankaas ku noqday dalkiisii Brazil, kadib markii uu la kulmay mushkilad qoys oo uu burburay guurkiisii, taas oo uu sheegay in aanu sii wadi Karin ciyaarta, isagoo sheegay in aanu nafsad ahaan xaaladiisu wanaagsanayn. Xilligaas tababaraha kooxda Sporting Lisbon ee Portugal ayaa isagu aad ugu hanweynaa soo noqoshada Jardel, waxaanu rumaysan yahay in la’aanta kooxdiisa ee weeraryahanka Jardel aanay haweysanayn hanashada koobka champions. Laakiin dhinaca dhakhaatiirka ayaa tilmaamay in aanu Jardel muddo afar bilooda qaadan wax layli ciyaareed ah iyo in aan weli la saadaalin karin xaaladda maskaxeed ee uu ku sugan yahay hadda.

Sporting Lisbon oo sannadkii hore laba tartan ciyaareed ku guulaysatay, waxay ciyaaraha sannadkan ugu bilaabmeen, si aan diir-diiranayn, waxaanay laba guulood oo qudha ka soo hooyeen 5 ciyaarood oo ay safteen xilli ciyaareedkan, waxaanay lix dhibcood ka dambeeyaan kooxda FC Porto oo iyadu hogaanka u haysa. Waxa kale oo ay ku guulaysteen in ay ka gudbaan wareega hore ee horyaalka Yurub (Champions).

 

 

 

AJAX oo soo ceshanaysa qayb ka mid ah wakhtigii dahabiga ahaa ee dhaafay

Litmanen oo Khashaafadda u shidaya kooxda AJAX

By World Soccer Magazine

Kooxda Ajax ayaa rajaynaysa in ay dib ula soo noqoto qaybo ka mid ah wakhtigeedii dahabka ahaa, taas oo ay kooxda Ajax dib uu ugu soo noqday Ciyaaryahanka Jari Litmanen, oo ka mid ah ciyaartoyda ugu kaalin-galka wanaagsan ee wakhtiga ciyaarta oo dhan dhammaystira.

Ciyaartoygan Litmanen oo u dhashay Finland, wuxuu ahaa furaha ciyaarta kooxda Ajax badhtamihii 1990, markii uu Naadiga Ajax ku guulaystay koobka Champion League. Go’aankan uu ugu soo wareegay Jari Litmanen wakhti yar ka hor, markii la joojiyay u kala wareega ciyaartoyda ee kooxaha ee loo sameeyay xilliga go’an ee xeerka ay FIFA soo saartay, arrintani waxay layaab ku noqotay kooxda Liverpool oo la siman Ajax, markii hore waxaa jirtay rabitaan uu Litmane ku doonayay inuu ku noqdo Amsterdam xagaagii dhowaa, laakiin heshiiskii arrinta ayaa socon waayay.

Heshiiska ay Ajax la gashay Litmanen kumay diirdiiranayn, waxaanu Leo Benhakker oo ah Agaasimaha Ajax uu ka yidhi u soo wareega Litmanen ee Ajax; “Kaalintii Jari Litmanen, waxaa u buuxiyay si dhaba Rafael Vander Vaart oo ah ciyaartoyda leh hibada ciyaareed ee Yurub kuwooda ugu cad-cad”

Heshiiskan Ajax ee Litmanen oo ah 18 bilood, kamuu soo bixin faahfaahin ku saabsan mushaharkiisa. Tababaraha kooxda Ajax Ronald Koemank, ayaa isagu rumaysan in Litmanen iyo Van Der Vaart ay kooxda u wada ciyaari karaan.

Ciyaaraha league-ga waxaa iyagu halka sare isugu tagay oo leh min 19 dhibcood Kooxaha Ajax iyo PSV, halka kooxda Feyenoord kaalinta saddexaad ku jirto oo ay lix dhibcood ka dambayso kooxda Heerenveen oo loo haystay in ay ahayd kooxda la baratami karta saddexda kooxood ee waaweyn, waxay la kulantay hantaaq weyn bilowgii ciyaaraha, waxaanay liiska kala horeynta kaga jiraa kan labaad ee kooxaha ugu hooseeya waxaanay leedahay laba dhibcood oo keliya, eedda ugu badana wuxuu naadigaasi saaray guuldarooyinka ciyaareed ee soo gaadhay bilowgii ciyaaraha. Tababaraha kooxdaas Heerenveen, Foppe De Haan oo hawshaa waday 17 sannadood, waxa uu yidhi; “Kuma khalkhalayno waxoogaa guuldarooyina oo nala soo darsay, waana arrin aanu hubaal saxayno.”

Ilaa hadda wax horumari umay soo kordhin kooxda Heereveen dhinaca koobka UEFA.

Dhinaca ciyaaraha Champions, Ajax iyo Feyenoord, ayaa iyagu weli ka mida wareega labaad e ciyaarahaas, dhinaca PSV ayaa u muuqata koox aan hore u gaadhin heerka ay ka gaadhay tartankan.

 

 

Kooxda AC Milan oo Si layaableh Guulo Uga soo hoysay Tartanka Champions

By Paddy Agnew – World Soccer Magazine

K

ooxda AC Milan waxay kula kulmeen ciyaar kubadda cagta ah kooxda Deportivo La Coruna oo ay kula ciyaareen garoonka Olypic Stadium, haddana waxay u dhaafeen dhinaca San Siro oo ah garoonkeeda oo ay ciyaar ku yeesheen garoonka Delle Alpi, waxaanu ugu bilowday kooxdan Talyaaniga ah (AC Milan) tartankan champions-ku yididiilo iyo ifafaalo guuleed oo ay ku dhammaystireen wareegii hore.

Marka la eego guulaha ciyaareed ee ay kooxdani gaadhay, waxaa muuqata in Milan aanay ku yareyn ciyaartoyda hodanka ku ah hibada ciyaar-wanaaga ee kubadda cagta ee ka mid ah kooxda Milan sida: Rivaldo iyo Rui Costa oo u kala dhashay Brazil iyo Portugal, Clarence Seedorf oo Holland u dhashay, Andri Shevchenko oo Ukrain u dhashay, Dan Jon Paolo Maldini, Alessandro Nesta, Filipo Inzaghi, Andrea Pirlo oo iyagu u wada dhashay Talyaaniga. Waxaa isna loo aanayn karaa guulaha ay gaadhay kooxda Milan, tababaraha Carlo Acelotti oo la odhan karo waa ninka leh soo xulista ciyaartoyda u safata kooxdaas iyo qaabayntooda ciyaarta.

Ancelotti wuxuu kula ciyaaray kooxaha Javuntuz iyo Parma, ciyaar qaabkedu ahaa 4-4-2 oo kooxdiisa Milan ay samaynaysay orod aad u xoogan iyo kubadda oo ay aad dhinacooda ugu loolamayeen.

Guulahaa waxaa la odhan karaa, waxaa kooxda Milan lafdhabar ugu ah Nesta iyo Maldini oo ka ciyaara difaaca dhexe ee kooxda oo aad ugu adag kaalmahooda. Waxaa iyaguna dhexda afka hore ee weerarka kooxda uu hogaaminayo Ancelloti ka hawl-gala Rui Costa, Rivaldo iyo Seedorf.

Tababare Ancelloti, wuxuu helay farsamo uu ku safay ciyaartoyda kooxdiisa ugu wanaagsan ciyaarihii bilowga ahaa ee kooxdiisu la yeelanayso kooxaha kale tartamada kala duwan ee kalkooda gudihiisa iyo kuwa heer qaaradeed ah.

Ragga ciyaaraha faalleeya, ayaa muujiyay in aanay gaadhin kaalintii ay ku hanan lahaayeen magacweyn oo tababare kooxeed ah. Labada tababare ee xilliyadan dambe soo muuqday ee Roberto Mincini oo Lazio ah iyo Cesare Prandelli oo Parma ah in ay kasban karaan suuqa tababarayaasha heerkoodu sareeyo qaadashadooda ee loogu tartamo suuqyada ciyaaraha.

 

Sucuuudiga oo xayiraadii xoolaha ka qaadaya

R

iyaadh (Al-Iqtisaadiya): Wasaarada Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga, ayaa hadda ka fiirsanaysa sidii xayiraadda looga qaadi lahaa xoolaha Soomaalida, waxaana sida illo xog-ogaal ahi tibaaxeen la filayaa in ay wasaarada beeraha ee Sucuudigu si dhakhso ah ugu dhawaaqdo go’aanka kama dambaysta ah ee xayiraad ka qaadida ganacsiga xoolaha Soomaalida.

Warkan oo uu daabacay Wargeyska Al-Iqtisaadiya ee ka soo baxa dalka Sucuudiga, cadadkiisii soo baxay doraad, waxa uu intaa ku daray in faahfaahin dheeraad ah uu ka bixiyay mowduuca xayiraad ka qaadida xoolaha Soomaalida ee ay dawladda Sucuudigu ka fiirsanayso.

Wasiirka Beeraha iyo Biyaha Sucuudiga, Cabdalla bin Cabdullcasiis, ayaa xaqiijiyay in dib loo eegayo xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaalida ee loo dhoofin jiray dalka Sucuudiga, wuxuuna taa ku tilmaamay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ujeedadii laga lahaa xayiraaddu aanay sidii la rabay u fullin, isla markaana aanu sii jiritaankeedu ahayn mid faa’iido ku jirto duruufo isbedelay awgeed.

Wasiirka Beeruhu, waxa uu carabka aad ugu adkeeyay in xoolaha Soomaalida la fasaxi doono kadib marka ay wasaaradiisu diyaariso xeer iyo nidaam adag oo lagu hubin karo in ay xoolaha ka imanaya dhulalka Soomaalidu ka bad qabaan cudurada waxyeelada u geysta caafimaadka dadka.

Waxa la filayaa in xoolaha Soomaalida lagu sameeyo baadhitaano caafimaad oo ka culus kuwii hore loogula dhaqmi jiray.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah ganacsatada Sucuudiga ee ka ganacsan jirtay xoolaha Soomaalida, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan, kana qayb-qaadanayaan tabaabushaha ay dawladda Sucuudigu ugu jirto in dib loo fasaxo ganacsiga Xoolaha Soomaalida, iyagoo khasaaraha soo gaadhay muddadii labada sannadood ka badnayd ee ay xayiraaddu taagnayd ku qiyaasay lacag gaadhay 500 oo Milyan oo riyaalka Sucuudiga ah. Khasaarahaa oo isugu jira, lacagayow ay xoolo ku dirteen waxyar ka hor xayiraadda iyo kharash kaga baxay xanaanaynta xoolo loo soo dhoofiyay oo la kulmay xayiraadii lagu soo rogay xoolaha Soomaalida 17/9/2000.

Safiirka Maamulka C/Qaasim u fadhiya Sucuudiga, Axmed Maxamed Cabdalla ayaa isaguna dhinaciisa ka ballanqaaday inuu ganacsatada Sucuudiga ah ee wax ka maqan yihiin gacan ka siin doono, sidii ay cawil-celin u heli lahaayeen. Waxa kale oo uu safiirkaasi sheegay in dhammaan Qabqablayaasha dagaalka ee Soomaalidu diyaar u yihiin in ay dhawraan oo ay tixgeliyaan xuquuqda iyo hantida Tijaarta Sucuudiga kaga maqan dhinaca Soomaalida ay la ganacsan jireen, intii aan la soo rogin xayiraadda. Hase yeeshee, qaar ka mid ah ganacsatada Sucuudiga ayaa walaac ka muujiyay burburka dhaqaale ee ku dhacay ganacsigooda muddadii xooluhu xidhnaayeen iyo sida aanay suurta-gal u ahayn in ay helaan xoolihii kaga maqnaa dhinaca Soomaalida. Sidoo kale, xayiraadda lagu soo rogay Xoolaha Soomaalida, ayaa saamayn weyn ku yeeshay Dekedda Jeesaan ee dalka Sucuudiga oo ay xayiraadda ka hor sannadkii ka soo degi jireen xoolo lagu qiyaaso shan milyan oo neef, kuwaas oo laga soo dhoofin jiray dhinaca Soomaalida, waxaanay wararku sheegayaan in dakhligii dekedaasi si ba’an hoos ugu dhacay intii xayiraadda ka dambaysay.

 

Barnaamijkii Cod-bixinta miyuu Fashilmay?

H

argeysa (Haatuf): “Anigu waxaan qaatay 7 kaadh, iminkana daantaas ayaan u gud-bayaa oo aan kaadh kale ka soo qaadanayaa” sidaa waxa yidhi nin shicib ah oo maalin maalmaha ka mid ah u sheekaynayey laba nin oo kale oo saaxiibadiis ah, waxayna xiligaa ag-taagnaayeen meel u dhow goob ka mid ah goobaha cod-bixinta magaalada Hargeysa.

“Adeer waxaan idin waydiiyey hawsha diiwaangelinta miyaan la rabin ileyn waxaan arkay kaadhadh ay dad dhalinyaro ahi meelo gidaaro ah ama geed hoostii la fadhiyaan oo ciidan ilaalinaya iyo cid kormeeraysaa toona jirin”, sidaana waxa ku tiraabay oday ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa oo goor cawaysin ah nagu soo booqday xarunta wargeyska Haatuf.

Khamiistii toddobaadkii hore goob ka mid ah goobaha diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee magaalada Boorame ayaa la boobay kaadhadhkii iyo weliba shaambadii kaadhka lagu dhufanayey. Sidoo kale waxa dabayaaqadii toddobaadkii hore iyadana la boobay goob ka mid ah goobaha diiwaangelinta ee magaalada Burco.

Goobaha diiwaangelintu waa geed yar oo hadh-dacaar leh hoostii ama gidaar dhinicii, isla markaana ma arkaysid wax ciidan ah oo ilaalinaya dadka alaabat iyo dadka hawsha wada iyo xataa coid kormeeraysa oo dusha ka ilaalinaysa dhalin yarada hawsha wada, taasina waxay keentay in dadka hawsha wada ee geedaha hoos fadhiya si yar loo hadidi karo, loogana qaadi karo waxa ay sacabada ku hayaan, sidoo kalena ay alaabta baylahdeedu badato.

Qof kasta oo doonaya waxa u suurta gelaysa inuu qaato inta uu doono ee kaadhadha ah, taas oo marba meesha uu doono uu iska qori karo ama hadii uu doono uu goob keliya ku soo noqnoqon karo marar badan.

Waxa kale oo iyana baylahdeedu badan tahay xaqiijijtii ahayd yaa muwaadin ah oo xaq u leh inay codeeyaan, yaanse ahayn, waayo marka aad eegto baylahda goobaha diiwaangelinta way iska dhib yar tahay inay Itoobiyaanka iyo dadka Reer Baydhabo magacyo Somali sheegtay, ka dibna xantoobooyin kaadhadh ah qaataan intay kayuugga galaan. Laakiin arinta ugu darrani waxay tahay saylad ganacsi oo ka hoos dilaacday barnaamijka diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, taas oo uu qofkii doonaa inta uu gacanta dhiibo joonyado kaadhadh ah loo rari karo.

Waxa suuqyada magaalooyinka diiwaangelintu ka socoto ku filiqsan ama lala wareegayaa kaadhadh badan oo cad-cad oo aan wax magac ahi ku qornayn, taas oo ay kooxo dhalinyaro ahi suuqyada la wareegayaan iyaga oo iibinaya. Tusaale kaadhka lambarkiisu yahay 0105703 waxa uu ka mid yahay kaadhadh badan oo noociisa ah oo lala dhex-wareegayey magaalada Burco, taas oo uu weriye Haatuf ka tirsani sheegay in lagu baayacayey 70,000 (Todobaatan kun) oo lacagta giinbaarta loo yaqaan ah (Shilin Somali).

Sida ay tibaaxeen wararka arintan ku saabsani kumanaan kaadhadh ah ayaa la xaseeyey, laakiin laba sababood ayaa loo xaseeyey, labadaas sababood oo ay ta hore tahay dad doonaya inay hadhow codad badan ka helaan iyo dad doonaya inay ka baayac-mushtareeyaan oo ay hadhow ururada siyaasadda ka iibiyaan.

Sida ay wararka arimaha doorashooyinka u dhuun-daloolaa sheegeen bilowgiiba xubno ka mid ah ragga darka ku dhow dhow ayaa joonyada kaadhadh ah cuurtay oo meel ku xasaystay.

Markii uu soo ifbaxay mad-madowga iyo dayaca ka muuqday hawsha diiwaangelinta cod-bixiyayaasha dad badan ayaa ka hadlay, waxaana abuurantay dood ku saabsan xaaladda dayacan ee barnaamijka diiwaangelinta, waxayna taasi dhalisay su’aalo badan.

Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasiirka arimaha gudaha ayaa maalin labaadii hawsha diiwaangelinta arintaa ka hadlay, wuxuuna sheegay inay guddiga doorashooyinka ee hawsha maamulayaa ka qadiyeen saamigii ay  hawsha ku lahayd wasaaradda daakhiliga, taasina ay keentay kaalinta la tebayo ee wasaaradda arimaha gudaha. “Waxaanu ku war helay hawshii oo socota oo xataa nooma ay sheegin guddiga doorashooyinku inta goobood ee ay diiwaangelintu ka dhacayso”ayuu yidhi wasiirka daakhiligu.

Ururada mucaaradka intooda ayaa iyaguna si ba’an uga qayliyey hanaanka ay wax u socdaan, iyaga oo si kulul u dhaliilay qaabka ay guddiga doorashooyinku hawshan u maamuleen.

Ururada UCID, ASAD, KULMIYE iyo HORMOOD ayaa wada jir ugu dhawaaqay in la joojiyo hawsha diiwaangelinta, iyaga ooo ku tilmaamay inay murkucatay., isla markaana farta ku fiiqay mad-madow iyo raadad musuq-maasuq oo la jaanqaaday hawsha diiwaangelinta, waxayna ururadaasi inay hawshaa xalaal-nimadeedu wasakhowday.

Ururada siyaasadda ee u diiwaan-gashan inay tartamaan iyo guddiga doorashooyinka ee sare ayaa maalmihii ina dhaafay yeeshay kulamo la sheegay inay ka dhaceen xarunta hay’adda horumarinta iyo nabadda Somaliland, xafiiskeeda Hargeysa, waxaana kulamada lagu gorfeeyey guud ahaan hawlaha doorashooyinka iyo gaar ahaan hawsha gacanta lagu hayo ee diiwaangelinta, waxayna warar kulamadaa u dhuun-daloolaa tibaaxeen inay dhinacyadu ka wada hadleen mad-madowga iyo dhaliilaha shilis ee ka muuqday barnaamijka diiwaangelinta cod-bixiyayaasha.

Inkasta oo aanay jirin warar rasmi ah oo ka soo baxay kulamada dhexmaray ururada siyaasadda iyo guddiga heer qaran ee doorashooyinka, hadana ilo xog-oaal ah ayaa tibaaxay inay guddigu qirteen gol-daloolooyinka iyo uskagga ka muuuqday barnaamijka diiwaangelinta cod-bixiyayaasha. Laakiin gudoomiye-xigeenka guddiga dooraashooyinka, C/laahi- Jawaan ayaa waraysi uu wargeyska Jamhuuriya siiyey ku sheegay in marka xiliga doorashada la gaadho ay xataa codkooda bixin karaan dadka aan isdiiwaangelin ama haysan kaadhadhka diiwaangelinta, taasna waxa la odhan karaa waxay marag u tahay inay luntay kalsoonidu barnaamijka diiwaangelinta cod-bixiyayaasha oo lagu waday inay noqoto ama tahay rukni muhim ah oo ka mid ah Ud-baha doorashadu ku ruqaansan karto.

Sida la ogyahay hay’adda hawshan maamulaysaa waa guddiga doorashooyinka,  sidaa darteed iyaga ayaa dummadda ku qaadaya wixii ceeb ah ee guud ahaan iyo gaar ahaan-ba ka yimaadda barnaamijka doorashooyinka oo ay hawsha diiwaangelintu qayb ka tahay, laakiin durba waxa muuqatay inay guddiga doorashooyinka hawshu ka baahday,  waxayse dadku iswaydiinayaan baylahda guddigu saddex sababood waa iyama. Inay arintu raad ku leedahay aqoon la’aan iyo karti daro oo ay ka taf-dheeraatay, ta labaad inay ogaan u dayaceen, waayo tusaale loo soo qaadan karaa inta ay kaadhadhkii kooxo dhalinyaro ah dacalada uga buuxiyeen ayaanay odhan-ba xoolihii xagee bay u dareereen. Laakiin dadka qaar baa leh arintu sidaa ma aha ee guddigau halkii ay kaga mashquuli lahaayeen diyaarinta iyo dabagalka had-ba hawsha socota, waxay inta badan ku mashquuleen raad-raadinta iyo kala qorshaynta qadaadiicda ay midowga Yurub ugu deeqday hawsha doorashada. Laakiin marka aan la isu daraan waxa iyana meesha taal oo saamayn ku yeelanaysa dhaliilaha iyo fool-xumooyinka loo tirin karo barnaamijka doorashooyinka qar-qarbada badan oo jirta, taas oo aanay is le’ekayn baaxadda hawsha iyo waqtiga la hayaa.

Dhinaca dadweynaha marka aad eegto inkasta oo ay wacgelinta arintaasi caato tahay oo aanay dad badani warba ka hayn waxa socda, hadana waxaad arkaysaa dad badan oo is daba safan goobaha hadh-dacaarka leh iyo gidaarada hadh la’ da ah ee wax lagu diiwaangelinayo, taas oo la odhan karo dadweynuhu dhinacooda way hagar la’yihiin hadii la hogaamiyo. Laakiin si kasta wax haw jireene waxa barnaamijka diiwaangelinta ka muuqday mad-madow iyo dhaliilo badan oo u muuqda inay wasakheeyeen kalsoonidii  barnaamijka diiwaangelinta cod-bixiyayaasha oo ah albaabka ugu weyn ee laga gelayo garoonka ciyaarta.

 

 

Ururka Dhalinyarada ASAD ee Burco oo gudoomiye doortay

B

urco (Haatuf):Kulan ay magaalada Burco ku yeesheen ururka dhalinyarada ee urur-siyaasadeedka ASAD 17-kii bishan ayey ku doorteen hogaanka ururkooda dhalinyarada, iyadoo ay xubnaha hogaanka ee la doortay ka mid yihiin gudoomiye iyo laba gduoomiye-xigeen iyo weliba 19 xubnood oo ah guddiga fulinta ururka.

Ururka dhalinyarada ASAD ee Burco waxay gudoomiye u doorteen C/risaaq Axmed Olol, halka ay gudoomiye-xigeenka koowaad-na u doorteen, Ismaaciil Jaamac Aadan iyo gudoomiye-xigeenka labaad oo ay u doorteen Maxamed Cali-sigaar, sidoo kale waxay dhalinyaradaasi xoghaye u doorteen Cali Xasan X. Diiriye.

Dhinaca kalena sidaku cad qoraal ay ku saxeexan yihiin gudoomiyaha iyo xoghayaha ururka ASAD ee gobolka Togdheer, 19-ka xubnood ee ay dhalinyaradaasi u doorteen guddiga fulinta waxay magacyadoodu kala yihiin:

1-      Axmed Aadan Maxamed- Af-hayeen.

2-      Aadan Caydiid Cabdi-  Arimaha isboortiga.

3-      Faysal Jaamac Nuur—Khasnadda.

4-      Axmed Saleebaan Jaamac—Wacyigelinta.

5-      Cabdi Ismaaciil Aadan—Xisaabaadka.

6-      Maxamed Baaruud Maxamed—xubin golaha dhexe

7-      C/raxmaan Maxamed Mire----=

8-      Shabbac Jaamac Cabdi---==.

9-      Jaamac Maxamed Jaamac—Caafiimaadka.

10-    Maxamuud Ibraahin Maxamed—xubin golaha dhexe.

11-    Siciid Axmed Xawaadle--- =====.

12-    Muuse Maxamed Ibraahin--- Arimaha waxbarashada

13-    C/risaaq yuusuf Cabdi---- xubin golaha dhexe.

14-   Xasan Aadan Baashe--  Madaxa dhaqaalaha.

15-   Bashiir Maxamed Cumar--- xubin golaha dhexe.

16-    Kayse Axmed Cali--- xubin golaha dhexe.

17-    Cabdi Ayaanle--- xubin golaha dhexe.

18-    Muxiyadiin C/laahi Dubbe—xubin golaha dhexe.

 

DHIMASHADII KHADIIJA

Sidaan ogsoon nahay Khadiija waxay ahayd xaaskii Rasuulka SCW ee ugu horreysey haweenkiisa, carruurtiisa oo dhanna u dhashay Ibraahim maahee, Rasuulka SCW aad ayuu u jeclaa, aad beyna u garab istaagtay Rasuulka SCW mar kasta oo u murugoodana way ka baabi'in jirtey nafteedii, maalkeedii iyo waqtigeediina waxay u hurtay diinta islaamka waxayna ahayd qofkii labaad ee ay gaaladu ku qaddarin ugana baqi jireen Rasuulka SCW. Waxay Khadiijo dhimatay waqtigii uu Abii-dhaalib dhintay wax yar kadib.

Khadiijo waxay lahayd fadli aad u tira badan oo aan la soo koobi karin haddiise aan wax ka mid ah soo qaadanno. Maalin ayaa malaku Jibriil u yimid Rasuulka SCW markaasuu ku yidhi "Rasuulkii Allow tani waa Khadiijo oo wadda weel uu ku jiro cunto ama cabbitaan ama iidaan, hadday kuu timaaddo gaarsii salaan xagga Alle ka timid uguna bishaaree guri Jannada ku yaalla oo ka samaysan Lu'Lu' oo aan dhib iyo daal lahayn". 

Ugu dambayntii Khadiijo wuxu Ilaahay oofsaday sannadkii 10aad ee soo diritaankii Rasuulka SCW iyadoo jirta 65 sannadood, Nabiguna wuxuu jirey 50 sano, waxayna wada joogeen 25 sano. Sannadkaas ay iyada iyo Abii-dhaalib dhinteenna waxaa la yiraahdaa Sannadkii Murugta, waxaana Rasuulka SCW soo foodsaartay dhib aad u weyn maxaa yeelay waa labadii qof oo ay gaaladu Rasuulka SCW ugaga hakan jireen.

Hase yeeshee Rasuulku SCW iyo asxaabtiisu uma jixinjixin dhib kasta oo ku timaaddda, Allahna qur'aank ayuu intaa ku soo dejinayey uu ku boorrinayey iney ku sabraan dhibka ogaadaanna iney cidhibta dambe iyagu iska leeyihiin. Rasuulka SCW wuxuu sannadkaas 10aad markay Khadiijo dhimatay Sawda bintu Samca oo ka mid ahayd muslimiintii hijradii labaad ee dhulka Xabashida qabtay ninkeediina halkaas ku dhintay.

 

 

DHIBAATADII REER DAA'IF

Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markay Makka dacwadii ka soo wadeen 10 sano, juhdi nooc walba ahna ku bixiyeen, shacabkii reer Makkana wax yar maahee ay ka wada hor yimaaddeen islaamkii, Nabiga SCW iyo asxaabtiisiina ay Makka ka noqdeen tuke cambaar leh, ayaa Rasuulku SCW wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo kale oo ah in uu dacwadii gaadhsiiyo magaalooyinka kale ee Makka u dhowaa oo la filayay iney islaamka qaataan, taasoo ah arrinta had iyo jeer lagu yaqaanno qofka daaciga ah inuusan quusan haddii irrid ka xidhanto irrid kale uu garaaco, haddii ay meel dacwadii iyo xaqii diiddana ay meel kale qaadato. Sidaa darteed Rasuulka SCW wuxuu qabtay Daa'if oo Makka u jirta 60 mayl isagoo uu la socdo seyd binu Xaarith wuxuuna doonayey inuu dacwada gaadhsiiyo shacabka reer Daa'if.

Rasuulka SCW intuu dhexda sii socday qabiil kasta oo uu sii maro wuxuu ugu yeerayey islaamka hase yeeshee cidna ma ajiibin. Markuu gaaray magaaladii Daa'if wuxuu ugu horreyntiiba u tegey madaxdii reer Daa'if raggii ugu sarreeyey oo ahaa saddex nin oo walaala ahaa oo la kala odhan jirey Cabdiyaaliin, Mascuud iyo Xabiib ilma Camar ibnu Cumeyr Al-thaqafi ayey ahaayeen. Wuxuu Rasuulka SCW saddexdaa nin u bandhigay dacwadii islaamka hase yeeshee waxay noqdeen kuwo ka shar badan kuwii Makka, wuxuuna ku jawaabay kii u horreeyey "haddaad run sheegeyso oo Ilaah adiga ku soo direy waxaan jeexjeexayaa maryaha kacbada", kii labaadna wuxuu yidhi "Ilaahay ma waayey cid kale oo uu soo diro", kii saddexaad wuxuu isna yidhi "kuu jawaabi maayo haddaad run sheegayso, maxaa yeelay Rasuul uma jawaabi karo, haddaad Alle ku been abuuranaysana ma mudnid in laguu jawaabo".

Rasuulka SCW markuu saddexdaa nin jawaabohoodii arkay iyo in ayna xaqa diyaar u ahayn ayuu dadkii u tegey oo dacwadii u bandhigay uguna tegey qof qof iyo koox koox waxayse noqdeen kuwo ka dhib badan reer Makka waxayna is gaarsiiyeen inuu Makka ka yimid nin waalan oo Maxammed la yiraahdo, waxayna ku direen wax ma garatadii, dumarkii, carruurtii iyo dadkii waalnaa. Markuu Rasuulka SCW damcay inuu ka baxo magaaladiina way daba galeen iyagoo ku orinaya oo dhagaxyeynaya ilaa uu Nabiga SCW ka baxay Daa'if isagoo uu dhiiggu ka tifqanayo lugihiisa oo dhibaateysan.

Markuu muddo sii socdey ayuu galay beer dhexda ku taalley oo 3 mayl u jirtey Daa'if oo ay lahaayeen Cutba ibnu abii Rabbiica iyo walaalkiis Sheyba ibnu Rabbiica oo odeyaashii Makka ka mid ahaa. Geed ayuu Nabigu SCW hoos fadhiistay, Cutba iyo Sheyba markay arkeen Nabiga SCW oo dhib aad u weyni ka muuqdo geedna hoos fadhiistay ayey wiil nasraani (christian) ahaa oo uu shaqeynayey magaciisana la odhan jirey Caddaas ugu dhiibeen xoogaa canab ah oo ku yidhaahdeen "ninka geedkaas hoos fadhiya u gee". Rasuulka SCW markii canabkii loo keenay ayuu ku bilaabay BISMILLAH, wiilkii ayaa yaabay oo yidhi 'waa kalimad aan halkaan laga aqoon", markaasaa Rasuulka SCW ku yidhi "xaggee ka timid?", Caddaas ayaa yidhi "waxaan ka imid Neynawi (magaalo shaam ku taal)", markaasaa Rasuulku SCW ku yidhi "waxaad ka timid magaaladii ninkii saalixa ahaa ee Yuunis ibnu Mataa". Caddaas intuu yaabay ayuu yidhi "sidee ku ogaatay?", Nabiga SCW wuxuu yidhi "waa walaalkay, isna waa Nabi, aniguna Nabi baan ahay' markaasaa Caddaas Rasuulka SCW ku soo boodey oo lugaha iyo gacmahaba ka dhunkaday. Cutba iyo Sheyba oo meeshoodii ka daawanayey ayaa midkood kii kale ku yidhi "Maxammed wiilkii waa kaa fasahaadiyey". Markuu Caddaas iyagii u soo laabtay waxay ku yidhaahdeen "war hooge maxaad samaynaysey?" Caddaas wuxuu yidhi "ninkaas wax ka kheyr roon dhulka ma joogo maxaa yeelay arrinkuu ii sheegay nin aan Nabi ahayni kama war hayo" markaasay ku dhaheen "diintaadaa ka wanaagsan diintiisee yuusan kaa jeedin".

Intaas ka dib Rasuulka SCW meeshii ayuu ka tegey isagoo dhinaca Makka u sii luudaya, waxaa markaa Rasuulka SCW u yimid malaku Jibriil oo ku yidhi: "Maxamedow, Alle waa la socdaa waxa dhib ah ee ku soo gaaray iyo waxay dadkaasi kugu sameeyeen, wuxuuna Alle kuu soo direy malaggii Buuraha si aad u amarto waxaad (qowmkaaga) ka damacdo, malaggii buuraha doonto, haddaad doonto waan ku baabi’in labada buurood, (reer Makka), Rasuulku SCW markii amarkaas la siiyey wuxuu ku jawaabay akhlaaqdiisii naxariista iyo wanaagga badneyd wuxuuna yidhi "iska daaya hadday iyagu xaqii qaadan waayeen waxaa la arkaa kuwo dhabarkooda ku jira iney ilaahay caabudaan", sidii ayeyna noqotay oo in badan oo iyaga ka mid ah ayaa aakhirkii xaqii qaatay.

Dabadeed Rasuulku Makka ayuu soo qabtay, markuu marayo Makka duleedkeeda ayuu meeel fadhiistay isagoo ka fekeraya siduu Makka ku geli lahaa, maxaa yeelay odeyaashii qureysheed ma aysan oggoleyn in Nabiga SCW ay dacwadiisu Makka dhaafto, sidaa darteed haddii ay maqlaan in Nabiga SCW uu Makka dhaafay oo reer Daa'if iyo qabaa'ilkii baadiyaha u tegey arrintu way qadhaadh tahay, sidaa darteed Rasuulka SCW wuxuu u cid dirsaday oo uu magangelyo weydiistey Akhnas ibnu Subery hase yeeshee wuxuu Akhnas yidhi "waxaan ahay xiliif, xiliifna wax ma magan geliyo", ka dib Rasuulku wuxuu la xidhiidhay Suheyr ibnu Camar oo uu magangal weydiistey hase yeeshee Suheyr dib Rasuulka SCW wuxuu yidhi "Bini Caamir wax kama magan geliyaan bini Kacab". Markaa ka dib Rasuulka SCW wuxuu la xidhiidhay Mudcim ibnu Cadiyyi oo uu sidoo kale magangal weydiistey, Mudcam wuu ka yeelay wuxuuna qaatay hubkiisii, wiilashiisiina wuu hubeeyey, Rasuulkana wuxuu ku yidhi "soo gal", markuu Rasuulku soo galay oo kacbada dawaafayey isaga iyo wiilashiisii ayaa hareeraha ka istaagay ogeysiisna wuu bixiyey oo wuxuu yidhi "Maxammed aniguu magantayda yahay", markaasaa Abii-jahal, oo siduu Rasuulku SCW sheegayba ahaa fircoonkii ummaddaan, aadna u necbaa inuu qof islaamo, ayaa Mudcim ku yidhi 'ma magan gelisay mise waad raacday?". Mudcim wuxuu yidhi 'maan raacine waan magan geliyey', markaasaa Abii-jahal yidhi "waa yahay ninkaad magan gelisey waa magan gashan yahay.

Rasuulka SCW wuu qiray Mudcim abaalkaas uu u galay maalinkii Badarna markuu qafaashay 70 gaalo ah wuxuu yidhi "hadduu Mudcim noolaan lahaa oo kuwaan iga codsan lahaa waan u sii deyn lahaa".

 

DHEELMINTII RASUULKA SCW ISRAA-WAL-MICRAAJ

Dheelmintii Rasuulka SCW waa la isku khilaafaa waqtigii ay ahayd ama sannadkii ay dhacday. Waxayna culimada qaarkood weriyaan inay hal sano ka hor hijrada ahayd, qaarna waxay weriyaan in ay hal sano iyo laba bilood ka horreysey hijrada, qaar kalena waxay weriyaan waqtiyo kale oo kala duwan. Hase yeeshee Allaah ayaa garanaya waqtiga saxa ah, mana ku soo aroorin qur'an iyo axaadiis saxiix ah oo ka hadlaya waqtigay ahayd.

Sidoo kale waxaa la isku khilaafaa inta jeer oo Nabiga SCW la dheelmiyey, laakiin sida saxiixa ah oo culimadu u badan tahay, adilladana laga fahmayo waxa weeye in hal mar la dheelmiyey. Sidoo kale waxaa iyadana khilaaf ku jiraa habkii loo dheelmiyey iyo waxyaabihii uu Rasuulku SCW habeenkaa soo arkay, kutubaha qaarkood markay arrimahaas ka hadlayaan waxay soo arooriyaan arrimo badan oo sixadooda aan la hubin loona baahnayn in la iska dhex dabbaasho.

Rasuulka SCW waxaa la dheelmiyey jasadkiisa iyo ruuxdiisa sida saxiixa ah. Waqti habeennimo ah ayaana la dheelmiyey, waxayna saxiixaynku wariyeen in Rasuulka SCW markii la dheeelminayey malaku Jibriil uu guriga saanqaafkiisa ka soo galay oo jeexay xabadka Rasuulka SCW soona bixiyey galbigiisa kuna dhaqay biyo samsam ah oo ka buuxiyey xikmad iyo iimaan. Waxaana laga dheelmiyey masjidka Xaramka ah ilaa Beytul-Maqdis. Rasuulku SCW wuxuu sarnaa Buraaqo, waxaana la socday Jibriil. Wuxuu Nabiga SCW ku degey Baytul-Maqdis oo uu halkaa ku tujiyey anbiyadii, buraaqadiina waxaa lagu xidhay masaajidka albaabkiisa. Ka dib wuxuu ka baxay Baytul-Maqdis isaga iyo Jibriil isla habeenkiiba, waxayna tageen oo koreen samadaan dhow. Ka dib Jibriil ayaa dalbay in laga furo (Albaabka samada) waana laga furay. 

Nabiga SCW wuxuu samada 1aad ku arkay Nabi Aadam, wuuna salaamay, isna wuu ka qqabtay oo wuu soo dhoweeyey.

 Wuxuuna Allaah Rasuulka SCW tusay dadkii wanaagsanaa arwaaxdoodii oo dhinaca midig ka taalla Nabi Aadan, iyo kuwii xumaa oo dhinaca bidix ka yaalla. Ka dib wuxuu tegey samada labaad oo uu ku arkay Nabi Yaxye iyo Nabi Ciise. Markaasuu la kulmay oo salaamay, iyaguna waa ka ajiibeen salaantii wayna soo dhoweeyeen. Samada saddexaad ayuu markaas u gudbay wuxuuna ku arkay Nabi Yuusuf, wuu salaamay isna waa ka ajiibey, waana soo dhoweeyey. Ka dib wuxuu koray samada 4aad, wuxuuna ku arkay Nabi Idriis, wuu salaamay, isna waa ka aqbalay, wuuna soo dhoweeyey. 

Ka dib samada 5aad ayuu koray oo uu ku arkay Nabi Haaruun, wuu salaamay, isna waa ka qqabtay waana soo dhoweeyey. Samada 6aad ayuu dabadeed koray halkaas oo uu ku arkay Nabi Muuse, wuuna salaamay, isna waa ka ajiibay waana soo dhoweeyey. Markuu Rasuulku SCW ka tegey Nabi Muuse ayaa ooyey. Markaasaa lagu yidhi "maxaa kaa oohiyey", wuxuu yidhi "waxaa iga oohiyey wiil gadaashay la soo diray oo ummaddiisa jannada gelaysaa ay ka badan tahay ummaddayda jannada gelaysa". Ka dib wuxuu Rasuulka SCW koray samada 7aad oo uu kula kulmay Nabi Ibrahim, wuu salaamay, isna waa ka qqabtay waana soo dhoweeyey.

Nebiga SCW ka dib waxaa loo kor yeelay Sidratul-Muntaha dabadeedna waxa loo sii kor yeelay Baytul-Macmuur. Intaa ka dib Allaah ayuu u sii koray oo la hadlay. Waxaa asxaabtii Rasuulka SCW isku khilaafeen in Nabiga SCW arkay habeenkaas Rabbigiis iyo in kale. Waxayse asxaabta badankoodu ku tageen, nusuusta iyo adilladuna tusinayaan in uusan Nabigu SCW Rabbigiis arag ee uu nuur arkay, sidaa xadiiska ay saxiixaynku wariyeen markii la waydiiyey Rasuulka oo lagu yidhi: "Rabbigaa ma aragtay? Wuxuu yidhi nuur baan arkay.

Rasuulka SCW markuu Ilaahay u tegey waxaa isaga iyo ummaddiisa lagu soo farad yeelay 50 salaadood, hase yeeshee markuu la soo laabtay ayuu la kulmay Nabi Muuse. Markaas ayaa Nabi Muuse ku yidhi "maxaa lagu soo amray?" wuxuu Rasuulku SCW yidhi "50 salaadood". Wuxuu yri Nabi Muuse "ummaddaadu ma karto intaas ee Rabbigaa ku laabo oo weydiiso in laga fududeeyo ummaddaada". Rasuulka SCW sidii ayuu yeelay oo Rabbigiis ayuu la hadlay, waxaana laga soo dhimay 10 salaadood. Hase yeeshee markuu Muuse ku soo laabtay ayuu Muuse mar labaad sidii oo kale celiyey, Nabiguna SCW waa laabtay. Sidaa ayuuna Rasuulka SCW waa laabtay. Sidaas ayuu Rasuulka SCW ugu dhexeeyey Muuse iyo Rabbigiis ilaa 5 salaadood laga soo reebay. Markaasuu mar kale Muuse celiyey, hase yeeshee Rasuulka SCW wuxuu yidhi "waan ka xishoonayaa Rabbigay, intan ayaanna ku raalli ahay oo ugu hoggaansamayaa".

Rasuulku SCW isla habeenkiiba wuxuu ku soo laabtay Makka, subixii markuu waagu baryeyna wuxuu u tegey qureysh oo u sheegay in la dheelmiyey. Laakiin qureysh waxay arrintaas ka qaadeen carar, waxayna weydiiyeen Nabiga SCW inuu u tilmaamo Baytul-Maqdis oo ay aqoon u lahaayeen. Allaah ayaa markaas Rasuulkiisa u muujiyey Baytul-Maqdis, Rasuulkuna waa uga warramay oo si fiican ayuu ugu tilmaamay, iyaguna wax tilmaamahaa ka mid ah kuma diidin, noloshiisana Rasuulka SCW ma tegin Beytul-Maqdis markaan mooyee. Waxaa kale oo Nabiga SCW uu qureysh uga warramay safarkoodii oo uu dhexda ku soo arkay iyo weliba waqtiga uu ku soo beegan yahay Makka iyo ratigii u soo horreeyey. Intaas oo dhan waxay noqdeen siduu Nabigu SCW u sheegey, hase yeeshee qureysh uma siyaadin wax aan ka ahayn kufri iyo gaalnimo, waxaa kale oo shakiyey markay qisadaan maqleen kuwa muslimiinta ka mid ahaa wayna riddoobeen, waxaana lala laayey Abii-Jahal. 

Hase yeeshee dadkii iimaanku dhabta ka ahaa oo yaqiinsanaa in Allaah subxaanahu watacaalaa uu wax walba awoodo, Maxamedna SCW uu yahay Rasuulkiisii, aysanna dhici karin in uu Allaah ku been abuurto waxa ay arintaani u siyaadisay imaan iyo taqwo sida Abuu-Bakar siddiiq oo markii ay gaaaladu warkii ula yimaadeen ku yidhi: "waa run", waxay yidhaahdeen: "ma waxaad u rumaynaysaa in uu xalay tagay Baytul Maugdis kana soo laabtay waagii oo aan baryin" wuxuu yidhi: "waxaan u rumeeyaa wax taa ka fog oo ah khabarka samada uga yimaada subax iyo galaba", sidaas ayaa marka Abuu-Bakar kula baxay siddiiq.

Rasuulka SCW wuxuu habeenkaas la dheelmiyey soo arkay arrimo waa weyn oo Ilaahay aayaadkiisa ka mid ah siduu Alleba ku sheegay aaayaddaan.

((XAQIIQDII WUXUU ARKAY AAYAADKII RABBIGIIS EE WAAWAYNAA)), (Suuratu-Najmi 18).

Arrimuhuu Rasuulka SCW arkay habeenkaas waxa ka mid ahaa malaku Jibriil oo uu ku arkay suuraddii Alle ku abuuray isagoo leh lix boqol oo garab, sidoo kale wuxuu arkay oo tilmaamay webiga Kawthar ee Jannada ku yaal, sidoo kale wuxuu tilmaamay Siiratul Muntahaa iyo caleenteeda, Beytul Macmuur oo ku yaal samada toddobaad iyo habkay malaa'iktu u takto oo ugu tukato. Allena isagoo arrimahaas wax ka tilmaamaya waxa uu yidhi:

((XAQIIQDII WUXUU (NABIGA) ARKAY JIBRIIL MAR KALE, (OO UU KU ARKAY ) SIDRATUL-MUNTAHAA AGTEEDA, AGTEEDANA WAXAA AH JANNATUL-MA'WAA, WAQTI UU DABOOLAY SIDRADA WIXII DABOOLAY, (NABIGA) ARAGIISUNA MATAGIN MANA XAD GDUBIN)), (Suuratu-Najmi 13-17).

Sidoo kale Rasuulka SCW wuxuu soo arkay habeenkaas la dheelmiyey dad la cadaabayo sida kuwa dadka xanta, iyagoo leh ciddiyo bir ka samaysan oo wejiga iyo xabadka iska diiranaya.

Sidoo kale waxaa Rasuulka SCW habeenkaas malaku Jibriil u keenay saddex weel oo ay ku kala jiraan caano, malab, iyo khamri wuxuuna cabbay kii caanuhu ku jireen markaasaa malaku Jibriil ku yidhi: "waa fitradii", sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW habeenkaas maqlay sharqanta qalimaanta maal'igta.

 

Xaafada Axmed Dhagax oo si Weyn U Soo Dhaweysay Ururka Kulmiye Iyo Gudoomiyahooda

H

argeysa (Haatuf) Dadweynaha xaafada Axmed Dhagax ee magaaladan Hargeysa ayaa shalay galab si weyn u soo dhaweeyay ururka Kulmiye ee siyaasiga ah iyo Gudoomiyaha ururkaas Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Xaflad uu ururkaasi ku furay xafiiskiisa xaafada Axmed Dhagax iyo soo dhaweyn loo sameeyay Gudoomiyaha ururkaasi waxay shalay ka dhacday dhinaca bari ee garoonka kubadda cagta ee Hargeysa. Gudoomiyaha ururkaas Kulmiye Mudane Axmed Siilaanyo waxa ka mid ahaa khudbadii uu u jeediyay dadweyne aad u tiro badan oo isugu soo baxay taageerada ururka Kulmiye iyo kaalintiisa hogaamineed waxana ka mid ahaa hadaladii uu halkaa ka yidhi “walaalayaal waynu ognahay waxaynu maanta u socono, waxaynu ognahay waxay qaranimadeenu ku fadhido, waxaynu ognahay meesha aynu ku socono, waynu ognahay waxaynu maanta u dagaalamayno, u dagaalamayno markaan leeyahay waxaynu halgan u galaynaa xoriyadaa iyo nabadgelyadaa aynu maanta haysano, ee aynu ku soo dagaalanay, ee dalkeena aynu dhiiga ku xoreynay inaynu maanta hanano, oo dariiqaa xaqa ah aynu marino, oo umadeena iyo dadkeenuba ay hantaan calanka inaga dul babanaya, oo nabadgelyada aynu haysano ay hantaan, waxaynu u dagaalamaynaa waa kaa, waxaan goob joog ka ahaa oo geedi socodkii aynu maanta qaranimadeena ku hananay ee ay ku soo gaadhnay, waxaanu maalintii dhaweyd markii aan Bali-gubadle ka hadlayay xeradii Degmadii ahayd Xaruntii halganka dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed SNM, halkii uu ku taagnaa taambuugayagii meeshii lafteedii ayaanu istaagnay oo aanu soo booqanay”.

Mudane Axmed Siilaanyo wuxuu intaa ku daray “halgankii labaad wuxuu ahaa halkaa maanta dhalinyaradu fadhiyaan safkaa ballaadhan cimrigooda alla ha raajee hubka la wareejinayay ee hubka jabhaduhu ku wareejinayeen wuxuu ahaa garoonka aynu maanta taaganahay, xaafadii u horeysay ee hubkaa wareejisay waa la ogaayoo ee martida looga ahaa waxay ahayd xaafada aynu maanta martida u nahay waxaan leeyahay baal dahab ah ayaad taariikhda kaga taalaan, haddii uu halgankii yahay iyo haddii uu maalintii wareejinta yahay oo Ciidanka Qaranka Somaliland la abuurayay”.

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud oo ka hadlayay xiligan doorashooyinka iyo ururada siyaasada khudbadii uu shalay u jeediyay dadweynaha Xaafada Axmed Dhagax “Dagaalka saddexaad ee aynu galaynaa waa kii dalka iyo dadka lagu dhisayay horumarinta dalka, halgankii aynu u galaynay weeyi, kaana waxaynu leenahay xaafada Axmed Dhagax iyo xaafadaha kale waxaynu ka gali doonaa baal dahab baad ka qaadan doontaan, muxuu Haddaba yahay halgankaa cusub waa kow waa inaynu nabadgelyada dhidibada u aasnaa, diyaar uma nihin hadii ay xaafada gudaheeda tahay, hadday xaafado kale tahay, hadday magaalada Hargeysa tahay, iyo hadday dalka Somaliland oo dhantahay uma ogolin in nabadgelyadu liicdo, waxaanu leenahay nabadgelyada jirtaa ha noolaato, waynu ishareera taagaynaa, walaalaynu dadkeena ka dhigaynaa gacmaha ishayta, ururka Kulmiye wuxuu u taaganyahay: bahaynta, isu keenka, midnimada ,walaalnimada reer Somaliland oo dhan meel ay joogaanba, waxay calaamad iyo astaan u noqonaysaa inuu Ictiraaf iyo horumar u keeno, wuxuu u taaganyahay inuu dhalinyarada iyo waayeelka dumarka iyo cid walba inuu u qabto waxa alla wixii suurtooba, in dawladda soo socota ee Kulmiye ay qabato, waxaan idin leeyahay haddaynu halgankeenii isku aaminay kan kale dambe ee aynu hawsha u galaynana waynu isku aaminaynaa, dhalinyarada halkaa tumani tacliin bay u baahan yihiin, oo shaqo u baahanyihiin, kay ka baxaan kolba mid ka sareeya ayay u baahanyihiin, waxaynu u baahanahay inaynu caafimaadkeena xoojino, waxaynu u baahanahay inayn dhaqaaleheena xoojino, shaqo la’aanta iyo mid walba inaynu wax ka qabano ayaynu u baahanahay, cid waliba waa leedahay taa waa samaynaynaa, cidii tii hore lagu aaminay ayaa tana lagu aaminayaa ayaan leeyahay”.

Gudoomiyaha ururka waxa kale oo hadaladiisii kulankii xaafada Axmed Dhagax ka mid ahaa “cadaw badan baa dalkeenu leeyahay, cadaw fara badan buu leeyahay, Haddaba intaynu iska celinayno, waxa weeyi dadkaynu walaalaynaynaa , waxaynu leenahay umadaynu isku keenaynaa, waxaynu leenahay nabadgelyadaynu ilaalinaynaa, waar haddii aynu nidhaa nabadgelyadii ayaynu ilaalinaynaa oo aynu nidhaa dadkii baynu isku keenaynaa, oo walaaleheen ayaynu isku keenaynaa, oo ay taa tahay, waar haddii ay jiraan qaar kale oo mabda’oodu yahay inay kala celiyaan oo kala faquuqaan, oo kala xumeeyaan, oo qoladii tartanka xalaala gali kari waydaay, ha adeegsanina luuqda cayda, oo ha adeegsanina dagaalka”.

Gudoomiyaha ururka siyaasiga ah ee Kulmiye wuxuu ku sheegay oo kale khudbadii shalay in ururka Kulmiye uu soo dhawaynayo ururada kale oo dhan aanu waxba ka qabin cidii u codaynaysa, waxaanu si badheedha uu dadweynihii tirada badnaa ee sida xamaasada leh u soo dhaweeyay una dhagaysanayay khudbadiisii shalay ku yidhi ereyadan “teenu colaad maaha waxaynu leenahay axsaabta kale oo dhan walaalaynu nahay, walaal meel iskugu imanaya oo si xalaala u tartamaya oo ay dhici karto qoyskii in qofka meesha uu doonayo u codeeyo, Inkasta oo aan anagu leenahay waar axsaabta kale waanu ka fiicanahay ee noo codeeya”

Ciyaaro, sacab iyo qoraalo lagu taageerayo ayay shalay kaga soo qayb galeen dadweynaha xaafada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa kulankaasi uu ka hadlay Gudoomiyaha ururka Kulmiye waxaanay dadkaasi isugu jireen haween, dhalinyaro, aqoonyahano, arday, waxa kale kulankaas hadalo soo dhaweyn ah ka jeediyay xogahayaha guud ee ururka Kulmiye Daa’uud Maxamed Geele iyo Cabdi Haybe.

 

Baaxaadegii Jacaylka

Bilan waxa gurigeed hadda ay jaar yihiin gabadh magaceeda la yidhaa Sahra Luuf, isbarasho ka dib sahra luuf waxay u yara tibaaxday bilan inay in badan aragtay baxnaan oo dhex fadhiya haween iyo rag fanaaniin ah, sahri waxay isku dayday inay wax u yara sharaxdo bilan, si ay cabasho uga keento qaab socodka baxnaan oo in badan aragtay baxnaan oo xili dambe garaacaya albaabka gurigiisa, in muddo ah bilan way is dhega marisay hadalada iyo sheekada haweenayda ay jaarka yihiin, ee sahra laakiin waxay sahri fursad u heshay ujeedada hadalkeeda markii ay ka soo dhacday su’aal ay bilan waydiisay sahra oo ahayd “walaal waxan ku weydiiyay waxaan ku arkay baxnaan habeenkii markuu xiliyada dambe yimaado hadalkiisa oo leh is dhaaf dhaaf badan iyo mararka qaarkood ereyo aan ahayn kuwii dadka mudakar ah” bilan hadalkii way sii waday waxaanay tidhi “ laakiin markuu seexdo aroortii kuma arko arrimaha aan kuu sheegay sahra ayaa iyadoo qoslaysa tidhi “alahayaw qof aan wax ogayn ha cadaabin” waxaanay intaa raacisay sahri “naa bilan malaha hadalkaas uun arrintu kuma joogtee wax kalaa jira” bilan cabaar ayay yara aamustay waxaanay dareentay inay sahra luuf sii qodqodayso waxaase ka go’aan ahaa inaanay sheegin falal ay qaadan kari wayday oo xiligaa dambe uu soo hoydo baxnaan habeena badan kaga yimid bilan dhinaca ninkeeda baxnaan, sahra luuf markii ay fahantay inaanay bilan sii wadayn sheeko dhaafsan su’aashii ay weydiisay ayay damacday arrin ay fahmi wayday bilan oo ah balwad ka jirta magaalada oo dadka qaar ay cabaan waxyaalo badala maskaxda qofka oo xataa lumiya miisaanka socodka ee qofka laakiin bilan noloshii ay  ku soo kortay kumay jirin dhaqankaa ay uga sheekaysay sahri waxanay tidhi bilan “oo walaal Maxaa sababay in uu qofku cabo wax maskaxdiisa wax u dhimaya ama socodkiisa Maxaa ku kalifay, bilan way sii waday doodeedii arrintaa ku saabsanayd waxaanay raacisay “anigu ma garanayo qof waalan iyo miyir qaba wax u dhaxeeya” bilan waxay rumaysatay sheekadii sahra luuf markii ay habeenkii dambe u yimaadeen bilan oo sidii marwo ahaan jirtay gurigeedii uu gabal nabadeed ugu dhacay oo sugaysa inuu u soo hoydo ninkeedii baxnaan, hase yeeshee waxa uu yimid baxnaan iyo axmed baytari oo ay la socdaan laba haweena waxaana la wada qaadayay heeso sida “lii lalaw waxaana soo duul duulayay erayo ay ka mid ahaayeen xabiibi, xayaati, isku marnaanto may ahayn mid indhaha looga duway bilan, waxaana uu baxnaan ka dalbay bilan inay shaah iyo biyo u soo dhigto asaxaabtiisa ay fanka ku wada jiraan, dhacdadani waxay u xaqiijisay bilan in ninkeedu uu leeyahay balwadii ay uga sheekaysatay sahra luuf oo iyadu ah carmal haysata saddex carruura oo ay jaar yihiin bilan waxay joojisay hadal ay u bilawday sahra oo guriga ku soo garaacday, waxaanay diiday hadal ka dhex bilaabma gurigeed iyadoo tidhi “walaal sahra arrintani aniga ayay I khusaysaa waad ku mahadsantahay sidaa wax ii fahamsiisay laakiin taladeeda kama dambaysta ah anigaa iska leh” sidaas ayay bilan albaabkeedii ku soo Xidhatay, bilan heesihii hadalkii iyo hugunkii habeenkaa may noqon qaar ka rawaxa ninkeedii axmed baytari iyo laba hablood oo loogu kala yeedhayay ifraax iyo sahra waxay habeenkaas u hoydeen gurigii reer baxnaan, habeenkaasi wuxuu u ahaa mid ay ku seexatay bilan wer wer iyo walaac weyn oo ay ka qabto mustaqbalka nolosheeda, iyo jacaylka ka dhexeeyay baxnaan waxase ay xasuusatay maalintii uu baxnaan u badheedhay libaaxa si uu u badbaadiyo nafteeda iyo naftiisa, hoos ahaan ayaanay bilan isu tidhi “jacayl biri ma goyso biyona kaama maydhaan ma ninkii kaaga tagi waayay libaax ayaad arrin kale adigu uga tagi doontaa, waxaanay goosatay inaanay cidna u sheegin dhacdooyinka kaga yimid baxnaan go’aankaa waxa u raacayay in ay si badheedha ah baxnaan ugu bandhigto waxa jira, waxay dareensatahay iyo waxay diidantahay,.

Aroornimadii ayay saddexdii qof ee martida ahaa ka tageen reer baxnaan waxaana isagu hurdo dheer galay baxnaan oo toosay makhribnimadii maalintaa, bilan kamay muuqan dareenkeedii xalay waxaanay u raali galisay baxnaan si ka wanaagsan sidii hore laakiin waxay ka codsatay in habeenkaa aanu baxnaan dan kale yeelan oo joogo gurigooda, runtii baxnaan wuxuu ku jiray saacadihii uu caadiga ahaa waxaanu xasuustay inuu galay gef weyn marka la eego dhaqanka qoysnimo sidaas ayaanay bilan iyo baxnaan isku soo horfadhiisteen, bilan ayaa bilawday waxaanay tidhi “gacaliye baxnaan waxaan doonayaa inaan ku waydiiyo su’aal ah ninkii xalay kula socday ee aad axmed ugu yeedhaysay ma waxbaa si ka ahaa” baxnaan oo fahamsan waxa ay bilan aragtay haddana isdiidsanaya ayaa yidhi “oo bilan maxaad aragtay?” bilan ayaa ugu jawaabtay “waxaan arkay markuu kacaba wuxuu kala garanwaayay godka suuliga iyo madbakha waxaanu meeraysanayay dhexdooda saacado badan, isagoo liic-liicaya, mararka qaarna waabu kufay oo mijilisyada daarada yaalla ayuu jiidhay” baxnaan garay in ninka ay bilan u duur xulaysaa uu isaga yahay waxaanu muddo ku raagay aamus laakiin waxa haddana ku celisay ereyo hadalkaa hore la xidhiidha bilan waxaanay tidhi “baxnaanow anigu inaan reer miyi ahay waad ogtahay laakiin naago maalin dhawayd sheekaysanayay  ayaan ka maqlay wax la yidhi dadka magaalooyinka qaar ayaa caba oo qofka miyirkiisa iyo maankiisa wax u dhimaya waxaa ,miyaad maqashay” baxnaan wuxuu ugu jawaabay “haa sidaa aad u maqashay ayaan ana u maqlay, bilan ayaa haddana tidhi “oo haddaa maxay reer magaalku u yidhaahdaan reer miyigu waxba ma garanayaan, alaylehe wixii wax maskaxdiisa iyo sharaftiisa wax u dhimaya caba ayaan waxba garanayn” baxnaan wuxuu dareemay ha dafiro, ha qariyo, ama ha ka baydh baydhee, in sheekada xaaskiisu ay ku biyo shubanayso, habdhaqan uu kaga dayday isagoon ka fikirin asaxaabtiisa ay isku barteen fanka waxaana ku dhashay baxnaan fikir uu ka fikirayo faa’iidada ay u keentay shaqadan fanaanimo waayo waxay u sahashahay awooda u yeeshay inuu guursado gabadhii uu jeclaa ee bilan haddana waxa hortimid balwada uu ka bartay inay keeni karto sabab baabi’isa jacayl uu in badan beer dhigaalaynayay 

 

“Ictiraafku Wuxuu Ku Imanayaa Sida ay Reer Boorama Wadaan ee ah…………..”

B

oorama (Haatuf): Weftiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Hormood mudane Cumar Carte Qaalib oo qorshe hawleed ku tagay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal ayaa sheegay in Cumar Carte iyo weftiga uu hogaaminayo ay ku soo dhaweeyeen Boorama boqolaal qof oo kaga hortagay degmada Dila iyo Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Sh. C/laahi. Weriye maxamed Cumar wuxuu intaa raaciyay mudane Cumar Carte markii uu gaadhay magaalada Boorama uu fagaaraha ku yaal badhtamaha magaaladaas “khayriyada” u kala hadlay dadweynaha ku nool magaaladaas isagoo ugu horeyn uga mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama waxana ka mid ahaa hadaladii uu halkaa ka jeediyay “ maanta anigu ma ihi nin marti ku ah Boorama, waxaan goob joog ka ahaa 1993kii wakhtigaa oo reer Boorama rag iyo dumar, wax garad iyo cuqaalba, ku mashquulsanaayeen sidii nabad Somaliland gooni isu-taageeda iyo dawladnimadeeda u dhisi lahaayeen, mudane Cumar Carte oo xidhiidhka aabihii la lahaa Boorama iyo wakhtiyada qaar oo isaga laf ahaantiisu noolaan jiray wuxuu yidhi “waxay Boorama ahayd meel ama magaalo aan la lahayn xidhiidh ganacsi iyo mid waxbarasho” isagoo cumar carte ka hadlaya dhinaca siyaasada in dadka ama masuuliyiinta siyaasada qaarkood dib u riixaan ololahooda siyaasada, qaarna ka horumariyaan wuxuuse sheegay in bisha Ramadaan oo la shaqeeyaa ay ka fadli badantahay bilaha sidaa u doorbiday isagoo ololihiisa siyaasada ka bilaabaya Boorama. Mudane Carte oo ka hadlayay hadafka siyaasada ee ururkiisa waxa uu sheegay afar qodob oo ay ka mid yihiin dhismaha dalka, waxsoo saarka, aqoonsiga, iyo shaqo abuurista, waxa hadaladii Carte ka jeediyay ka mid ahaa “waxaa maanta idiinku iyadoo cadceedu kululshahay iyadoo Ramadaan ah waxase ina ilawsiinaya in dalka hore loo mariyo, mana odhanayo waxaasaan samaynayaa, Ramadaankeenuna waxay keenaysaa guulo isagoo nabigeenu guulahaas gaadhay bisha Ramaadaan” Cumar carte isagoo ka hadlaya arrimaha Somaliland waxa uu khudbadiisaa uu ka jeediyay Boorama uu ku sheegay “waxa jirta in dadku Ictiraaf laabta ku hayaan, Ictiraafku wuxuu ku imanayaa sidaa reer Boorama ay wadaan ee ah inay is muujiyaan marka la arko dad u diyaar ah inay wax qabsadaan markaa Ictiraafka ayaa imanaya dawladaha adduunkuna indhaha kama qabsan karaan marka ay dadku wax qabsadaan” isagoo Cumar Carte ka hadlaya kaalinta reer Boorama ay kaga jiraan Somaliland waxa uu yidhi “sidii aad horeba ugu ahaydeen xarunta halganka maantana waa halgankii u dambeeyay ee ina gaadhsiinayay horumar power-kuna gacantiina ayuu ku jiraa, dhalinyarada waxaan xasuusinayaa inay foojignaadaan calaamadu ururkuna waa Galayda oo la mid ah taajka awliyada sawdkiina idinkaa gacanta ku haya ee yaanay idinka qaldamin, ku talo gala saddex arrimood, oo nagala xisaabtama waa tacliin, tababar iyo meel aad u shaqo tagtaan,”