Haatuf News

 

Issue: 210 ______________Taariikh: November 25, 2002

 

 

 

 

Duruufaha maamul ee gobolka Sool

L

aas-caanood (Haatuf): Magaalada laas-caanood ee xarunta gobolka Sool ee bariga Somaliland iyo guud ahaan-ba gobolka Sool waxa ka jira duruufo maamul, waxaana gobolkaa ku hirdama dhawr maamul oo meelo kala duwan ka soo kala jeeda, taasina waxay xaaladda maamul iyo siyaasadeed ee gobolka Sool ka dhigtay meel muuqaal gaar ah leh.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Liibaan Maaweel Shire oo inmuddo ah socdaal hawleed ku joogay magaalada Laascaanood, dhowaana ka soo laabtay oo iminka ku sugan Hargeysa ayaa warbixin nooga diyaariyey xaaladda maamul ee gobolka Sool sawirka ay leedahay, isaga si gaar ah u eegaya saamaynta uu maamulka Somaliland ku leeyahay gobolkaa iyo weliba maamulada kale ee gobolka saamaynta ku lihi juwa ay yihiin iyo maamul waliba itaalka uu meesha ku leeyahay, waana tan warbixintii:
”Gobolka Sool, gaar ahaan xaruntiisa laascaanood waxa jooga xubno maamul oo wakiil ka ah dawladda Somaliland, sida Badhasaab, maayar, taliyayaal ciidan iyo rag kale oo ku magaacaban laamaha dawladda.

Iminka waxa gobolka ka badhasaab ah ninka la yidhaahdo Daa’uud Ismaaciil (Dawacajiqil), waxaana la soo magacaabay dhawr bilood ka hor, waxayna tegistiisii gobolku la kulantay hawl-galkii weftiga nabadaynta ee mudada saddexda bilood ku dhow socdaalka hawleed ku joogay Sool, taasina waxay keentay inuu ilaa mudadaa waqtigiisa inta badan siiyo la shaqaynta weftigaa, laakiin bil ka hor ayuu markii u horaysay badhasaabka cusubi xafiis furtay, isaga oo xafiis ka dhigtay guri ka mid ah guryaha dadweynaha, waayo gurigii dawladda ee xafiiska badhasaabka waxa ku jira dad shicib ah.

Badhasaabka cusubi ilaa hadda daboolka kama qaadin sida uu yeelayo iyo istaraatijiyadda uu damacsan yahay inuu maamul uga dhaqaajiyo gobolka duruufaha badani hurdaan, laakiin munaasibadii u dambaysay ee ay weftigu kaga soo baqoolayeen Laascaanood oo ahayd gunaanadka heshiis la dhex dhigay laba ka mid ah beelaha ay weftigu dhibaatooyinkooda maareeyeen ayuu fursad u helay Daa’uud inuu ka hadlo, munaasibadaas oo ahayd goob ay isugu soo baxeen  dad badan oo ay ka mid ahaayeen hogaamiyaal dhaqan, duqay, wax garad kale iyo dadweyne door ah waxa uu Daa’uud ka yidhi “Anigu wax badan odhan maayo, balse waad aragtaan in maanta nabadgelyadii galka dad liqa ah inagaga dhacday laynooga soo saaray, sidaa darteed waxa laynooga baahan yahay inaynu ilaashano oo aanay mar dambe inagaga dhicin  ceel dad liq ah”, laakiin mar aan damcay bal inaan badhasaabka cusub waxa uu ku talo jiro wuxuu ku jawaabay “Hadda hawlo nabadgelyo ayaa lagu jiraa, ta kale anigu askari ayaan ahay askartuna ma warranto”.

Xubnaha maamulka cusub ee dhowaan loo magacaabay gobolka Sool waxa ka mid ah taliyaha qaybta 9aad ee ciidanka qaranka,  Ibraahin Caydiid Dhab-dhable.

Qaybtan oo ah qayb cusub waxa uu taliyaha cusubi dhowaan abuuray hurrintii ugu horaysay oo ah 150 nin oo uu hadda qarameeyey, wuxuuna fadhiisin uga dhigay xero ku taal  duleedka koonfureed ee magaalada Laascaanood.

Taliyaha qaybta 9aad mar aan kula kulmay xerada uu ciidankiisu degan yahay waxa uu ii sheegay inay 150-kaa nin hordhac u yihiin qaramayn cusub oo ay bilaabayaan. “Beelaha gobolkuna waa u diyaar qaramaynta cusub, ciidankana waa loo keenay raashinkii, dirayskiina hadda ayaanu ka sugaynaa dhinaca taliska (Hargeysa)”ayuu yidhi taliyaha qaybta 9aad. Laakiin boqol oyi konton nin ma aha ciidankii u horeeyey ee la qarameeyo dhinaca Somaliland, waxaana hore uga magacawnaa gobolka saldhig la yidhaahdo saldhigga 7aad oo uu taliye ka yahay nin la yidhaahdo Xasan Faarax (Xasan-geerash).

Inkasta oo aanay ii suurta gelin inaan la kulmo taliyaha saldhigga 7aad ee ciidanka Sool, hadana xogo u dhuun-daloola arimaha ciidanka ayaa ii tibaaxay inay ciidamada Xasan Geerash u diiwaan-gashani gaadhayaan  inku dhow 600 oo askari.

Sidoo kale waxa gobolka sool ka jira ciidan boolis oo dawladda Somaliland ku abtirsada, waxaana tirada ciidanka booliska gobolka Sool lagu sheegaa inka badan saddex boqol oo askari, laakiin wax awood ah kuma laha gobolka.

Taliyaha ciidanka booliska Qaybta Sool, Xuseen Maxamed Xasan (Xueen-Taarwale) oo aan maalmo hore kala sheekaystay arimaha ciidankiisa waxa uu ii sheegay inay had iyo goor ku jiraan is difaac, taas oo aanu iska difaacayno buu yidhi isbalaadhinta maamulka Puntland.

Ta kale inkasta oo uu magaalada Laascaanood ku magacaaban yahay maayar maamulka Somaliland u jooga, hadana ma jiro maamul shaqeeya oo dawladda hoose ee Laascaanood ahi. Sidoo kale waxa jira isuduwayaal Wasaaradaha dawladda Somaliland ah oo ku magacaaban gobolka Sool, laakiin ma jiro xafiis keliya oo Wasaaradaha dawladda Somaliland ah oo shaqeeyaa, isla markaana ma jiraan wax shaqaale ah oo weheliya ninka meesha ku magacaaban.

Ma aha markii u horaysay ee ay dawladda Somaliland maamulayaal ka wakiil ah u magacowdo gobolka Sool ee tan iyo markii dawladdii u horaysay ee Somaliland lagu dhawaaqo sannadkii 1991-kii waxa gobolka Sool iyo xaruntiisa Laascaanood iska bedelay maamulayaal tiro badan, laakiin ilaa hadda maamulka gobolka Sool ee Somaliland ma laha wax raad ah oo la raaco iyo saamayn la sheego toona, maamulayaasha la kala bedelaana iskama dhaxlaan wax raad maamul ah, sidaa awgeed maamulka Somaliland ee gobolka Sool ka jiraa ma laha itaal ka badan magac iyo xubno magacaaban oo magaalada iska dhex-jooga, isla markaana dawladda dhexe ee Somaliland keliya waxay ka adag tahay magacaabidda iyo inay waxoogaa masaariif ah oo uu gobolka la tago tuurta u sii saarto,taas oo macneheedu yahay inaanu jirin wax dabagal iyo xisaabtan ah oo lagu sameeyo maamulayaasha gobolka Sool loo magacaabaa. Hase yeeshee waxay dad qaar naawilayaan inuu dhaqankii hore wax ka bedelo maamulka cusub ee dhowaan la magacaabay, laakiin tamarta iyo wax qabadka uu maamulkani yeeshaa waxay ku xidhnaan doontaa sida ay dawladda dhexe ee Somaliland ula xisaabtanto, isuna garab taagto, taas oo macneheedu yahay inay wax ka bedesho siyaasadaheeda maamul ee gobolka Sool ku wajahan.

Dhanka kalena ragga reer Sool kaga jira dawladda dhexe ee Somaliland marka laga reebo qof shakhsiyadiisa oo keliya saamayn u leh masuuliyad ahaan kuma laha saamayn la biciidsan karo, waxayna dadka qaar ku odhanayaan “waa niman iska shaqa tegay ee ma aha niman dhulbahante u maqan”.

Dhinaca kale magaalada Laascaanood waxa ku sugan maamulayaal ka socda dawlad-goboleedka Puntland, kuwaas oo aan iyaga laftoodu lahayn itaal buurran, laakiin saamaytood leh.

Maamulka Puntland waxa magaalada Laascaanood u jooga xayn ciidan boolis ah, waxaana fadhiisin u ah saldhigga dhexe ee magaalada, halkaas oo ay ku xidhaan dadka ay ehliyadoodu soo qabato ee loo keeno, laakiin iyagu ma laha awood ay ku soo qabtaan dadka dembiyada ka gala magaalada. Hase yeeshee maamul-goboleedka Puntland waxa gobolka Sool ka jooga maamulayaal laba garab ka kala socda, kuwaas oo ka kala socda C/laahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac, laakiin waxa meesha ku awood badan maamulka C/laahi Yuusuf, waxayna hadda u muuqataa inay saamaynta garabka Jaamac Cali Jaamac meesha ka baxday, balse waxa jira khilaaf taa ka duwan oo waqtigan xaadirka ah ka dhex-muuqday wakiilada maamul-goboleedka Punland ee gobolka Sool, waxayna taasi ka dambaysay markii uu dhowaan Axmed Cabdi Xaabsade oo ah wasiirka arimaha gudaha Puntland iyo gudoomiyaha xaaladda degdegga ah uu badhasaab cusub u soo magacaabay gobolka Sool, iyadoo uu halkaa hore u soo joogay badhasaab uu hore ugu soo magacaabay gobolka Sool madaxweynaha Puntland, Cabdilaahi Yuusuf Axmed, taasina waxay keentay inuu khilaaf ka dhex-oogmo labadaa nin oo isku reer ka soo jeeda, khilaafkaasina ogaantay wuu taagnaa, iyadoo khilaafkaasi soo baxay xili uu C/laahi Yuusuf ku maqan yahay shirka ka socda magaalada Eldoret ee dalka Kenya.

 Col. Faarax Nadiif oo ku magacaaban taliyaha ciidanka daraawiishta gobolka Sool ee maamulka C/laahi Yuusuf ayaa isuguna maalmihii u dambeeyey waday dhaqdhaqaaqyo uu ciidamo cusub ku samaynayo, wuxuuna ii sheegay inuu ciidankaasi hordhac u yahay dawladda cusub ee lagu soo dhisayo shirka Kenya”.

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Haddiiba La Furo Xoolihii, Somaliland Ma Fahamsan Tahay Waxa Looga Baahan Yahay?

Sida ogaalba ka marag yahay, xoolaha nooli waa laf-dhabarta dhaqaalaha ee Somaliland, waana qaniimadda keliya ee dalkani ku hawaysan karo inuu kaga qayb-galo sayladaha adduunyada ee wax lagu kala iibsado.

Iyada oo ay labadii maalmood ee u dambeeyay ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in dawladda Sucuudigu ay qaadayso xayiraaddi ay xoolaha Soomaalida ku soo rogtay laba sannadood ka hor, ayaa haddiiba ay dhabowdo in xoolaha dhawaan la furo, waxa isweydin leh Somaliland sideebay arrintaas uga faa’iidaysan kartaa, mase u diyaarsan tahay in ay hore u mariso hanaankii hore ee xoolaha lagu dhoofin firay Sayladaha dibadda, siiba kuwa Sucuudiga, iyo ma noqon kartaa mid buuxisa shuruudaha iyo qawaaniinta ad-adag ee Sucuudigu ku talo jiro inuu kula dhaqmo xoolaha nool ee dalkiisa kaga iman doona dhinaca Soomaalida?

Dhammaan su’aalahaas oo fahamkooda iyo fullintooduba ma huraan u yihiin qorshaha dhoofka xoolaha ee Somaliland laga rabo in ay la shir-tagto sayladaha iib-geynta xoolaha carabta, iyada oo amuurta hore loogu cuskaday xayiraadihi is-daba jooga ahaa ee xoolaha lagu soo rogay ay ahayd marmarsiiyo ku saabsan caafimaadka xoolaha oo ay ku sheegeen cuduro Rift Valley-gu ka mid yahay, waxa haddaba maanta si weyn loogu baahan yahay in si aadda looga feejigaysto hubinta caafimaadka xoolaheena nool iyo daryeelkooda, waxaana lagama maarmaan ah in la dajiyo Manhaj iyo qalab baadhitaan oo gaadhsiisan heerka Caalamka (International standard), isla markaana leh shahaadad baadhitaan caafimaad oo la aqoonsan yahay, taas oo ku iman karta dad daacad ah oo aqoon iyo waayo-aragnimo u leh mehnadan, kuna jirto lexojeclo wadaninimo oo si hagar-la’aanna u guta waajibaadka ka saran xilkan culus, kuwaas oo aan ahayn nimanka hadda wax baadha ee reerahooda ay ka soo naqeeyeen tijaarta xoolaha dhoofisa.

Sidoo kale, waxa loo baahan yahay in laga taxadiro iska daba raridka bilaa qorshe ah oo is-darjabin ku ridda Sayladaha ay Somaliland xoolaheeda u dhoofiso.

Haddaba arrimahaas oo dhammi, waa kuwo masuuliyadeedu dhakada ka saaran tahay xukuumadda, gaar ahaan Wasaarada Ganacsiga, ta Xanaanada Xoolaha iyo Tijaarta xoolaha dhoofisa iyo Rugta Ganacsiga.

Haddaba, haddii arrimahan la dhayalsado ama sidii loo baahnaa wax looga qaban waayo, waxa cadowgeena u fududaanaysa in ay halkii ka sii wadaan dacaayadihii iyo naaneysihii ay xoolaheena ku sameyn jireen ee cuduro aan jirin ku sheegi jireen.

Gebo-gabadiina haddi ay xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha, waa in daryeelkooda laga dhigaa laf-dhabarta wax-qabadka xukuumadda.

 

Cumar Carte Oo Soo Gebgebeeyay Ololihiisii Deegaanada Galbeedka Somaliland

 

H

argeysa (Haatuf): Musharaxa ururka Hormood Md. Cumar Carte Qaalib oo maalmahan olole dhinaca doorashooyinka ah ka waday deegaanada galbeedka Somaliland ayaa shalay ku soo laabtay caasimada Hargeysa. Cumar Carte oo socdaalkiisa bilaabay maalintii khamiistii ee todobaadkii hore waxa uu booqashadiisa ku soo maray Degmada Gebilay iyo deegaanada hoos yimaada oo kala ah Arabsiyo, Kalabaydh, Tog-wajaale, Geed-balaadh iyo Alaybaday, ka dib weftiga uu horkacayo Cumar Carte waxay u sii dhaafeen magaalo Madaxda gobolka Awdal ee Boorama iyaga oo sii maray Degmadda Dila. Weftiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay dhammaan goobihii ay booqdeen waxa ka muuqatay dadweynaha taageero ballaadhan oo ay u hayaan ururka Hormood iyo musharaxiisa Cumar Carte Qaalib oo goobo fagaarayaal ah kala hadlay dadweynaha deegaanadaasi waxa uu uga waramay barnaamijkiisa Siyaasadeed ee doorashooyinka iyo waxqabadkiisa uu ugu talo galay dalka haddii uu  ku guulaysto doorashada soo socota.

“waynu ka soo gudubnay halgankii dib u xoreynta dalka haatana waxaa inoo bilaabmaya halgankii dib u dhiska dalka inaga oo ilaahay la kaashanayna ayaynu dalkeena barwaqaynaynaa. Waanu dhamaanayaa xiligii hadalka badani waxaanaynu galaynaa xiligii hawsha badan” sidaa waxa yidhi Md Cumar Carten Qaalib oo meel fagaare ah kala hadlayay dadweynaha reer Boorama oo uu socdaalkiisa ku soo khatimay. Waxaanu intaa raaciyay in barwaaqaynta dalku ay ku imanayso inaga oo la soo baxna khayraadka dalkeena, waxaanay tani halku dheg u ahayd khudbadihii uu u jeediyay Cumar Carte dadweynaha ku nool dhammaan deegaandii uu soo maray. Waxa kale oo uu Cumar si gaar ah uga hadlayay dhalinyarada oo ah kuwa leh mustaqbalka dalka si gaar ahna wuxuu ugu balan qaaday inuu wax uga qaban doono saddex arrimood oo kala ah tacliin sare oo ay helaan, tababaro xirfadeed iyo meel ay u shaqo tagaan oo ku kalahaan aroortii.

Intii aanu shalay ka soo ambabixin Cumar Carte Boorama waxa uu booqday Jaamacada Camuud, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaamacadaasi Pro: Saleebaan Maxamuud Guuleed. Hadal soo dhawayn ah oo uu Gudoomiyuhu ka jeediyay kulan uu la yeeshay weftiga Cumar Carte waxa uu uga mahad naqay, doorkii uu Cumar Carte ka soo qaatay aasaaskii Jaamacada Camuud iyo sida uu ugu faraxsanyahay inuu booqasho ugu yimaado isaga oo Cumar Carte macalin u ahaa Pro: Saleebaan, markii uu dhigan jiray dugsiga sare ee Qalax oo ku yaalla degmada Gebilay “Anaga in badan baad macalin I lahaydeen, balse waxa maanta ila jooga macalinkaygii wax I baray oo dedaalkiisii midhahani uu ka dhashay” ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Pro: Saleebaan Maxamuud Guuleed.

Cumar Carte oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada Waxbarashada iyo halgankii loo soo maray faafinta iyo sare u qaadida Waxbarashada dala “jaamacada Camuud waxay ka mid tahay astaamaha hore u marka dalka iyo sida ay dadku wax u qabsan karaan marka dedaal lala yimaado anagu Waxbarashada waxaanu ka soo bilownay geed iyo dargado hoostooda. Maantana waa Ilaahay mahadii haddii aynu heerkan soo gaadhsiinay Waxbarashada dalka” ayuu yidhi Cumar Carte, isaga oo intaa ku daray sida loogu baahanyahay in halkaa laga sii wado, dedaalka lagu horumarinayo Waxbarashada, taasoo uu balan qaaday hadii uu ku guulaysto doorashooyinka soo socda inuu fulin doono.

Cumar Carte iyo weftigiisu shalay duhurnimadii ayay ku soo laabmeen Hargeysa iyadoo ay si diiran u soo dhaweeyeen dadweyne aad u tiro badan, oo ku nool xaafada Jig-Jiga yar isaga oo Cumar Carte hadal mahad naq u ah uga jeediyay xarunta uu ururka Hormood ku leeyahay xaafadaasi, isaga oo aad ugu mahad naqay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, ka dibna waxa uu weftigu ku soo warwareegay wadooyinka waaweyn ee Hargeysa.

 

Ururka Hormood oo Xafiis Ka Furtay Ingiriiska

L

ondon (Haatuf): Ururka Siyaasiga ah ee Hormood ayaa xafiis ka furtay Caasimada dalka Ingiriiska ee London sida uu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Gudoomiyaha ururka Hormood Axmed Maxamed Madar, oo soo gaadhay Haatuf isaga oo haatan booqasho ku jooga dalka Ingiriiska xafiiska Hormood ee London waxaa la furay maalintii doraad 23/11/02 iyadoo xafiiskaasi loo magacaabay gudi 5 xubnood oo si ku meel gaadh ahaana u maamuli doonta oo uu gudoomiye u yahay Maxamed Qaasim Xaashi.

Warsaxaafadeedka Gudoomiyaha Hormoodna waxaa u qornaa sidan.

“Waxaanu halkan ku wargelinaynaa guud ahaan xubnaha iyo taageerayaasha ururka Hormood ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa, gaar ahaan kuwa degan UK in si rasmi ah looga furay magaaladan London Xafiiskii laanta uu UK, ee ururka Hormood sabtidii ay taariikhdu ahayd 23/11/02.

Ururka Hormood waa urur siyaasi ah oo ay ku bohoobeen dhawr urur, waxaanu ka mid yahay ururadada waaweyn ee u tartamaya hogaaminta maamulka dalka Somaliland ee doorashooyinka fooda inagu soo haya. Waxa hirgalinta hawlaha xafiiskan si ku meel gaadh ahaana loogu magacaabay gudi ka kooban Shan xubnood oo uu gudoomiye u yahay Mr: Maxamed Qaasim Xaashi.

Gudoomiyha ururka Hormood Axmed Maxamed Madar”

 

Sixid

Warkii ku soo baxay cadadkii shalay ee Haatuf 209 kana hadlaysay socdaalkii Cumar Carte ee Boorama halkii ku qornayd “Gudoomiyaha Ururka Hormood” waxay sax ku tahay musharaxa ururka Hormood” taasoo ku timid si khalad madbici ah.

 

 

Shahiid Mahdi Cali Faarax

Ummad kasta oo adduunka ku nooli waxay leedahay maalmo taariikheed kala duwan, oo ay u xusaan siyaabo kala jaad ah, sida maalmo ay ku xusaan xorriyadooda ama madaxbanaanidooda, ama ay ku xusaan geesiyaashii u halgamay xorriyadda umadaasi.

Haddaba Shahiid Mahdi Cali Faarax oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii ururka SNM, wuxuu ku dhashay Jameecada oo deegaanka Gebilay ka  tirsan sanadkii 1936, waxbarashadii qur’aanka iyo tacliintiisii Dugsiga H/Dhexe wuxuu ku qaatay Gebilay, dugsiga sare markuu dhamaystay wuxuu galay kuliyado dhinaca Ciidanka oo dalalka Ruushka Iyo Masar ka tirsan, waxaanay derejadiisu ciidanku gaadhay Kornayl.

Shahiid Mahdi Cali wuxuu halgamayaashii ururka SNM ka mid noqday 1982, waxaana xusid mudan dareenka murugada leh ee saraakiil ku sheegtii qaybta 26aad ee ka muujiyeen talaabadan u qaaday mujaahidku, dhinaca waxay ururkii SNM u noqotay yididiilo iyo rajo farxadeed maadaama uu shahiid Mahdi Cali ahaa hogaamiye Ciidan oo khibrad leh, waxaanay dareemadaa kala duwani rumoobeen markuu shahiid Mahdi bilawgiiba ku talaabsaday abaabul Ciidan isagoo markii ugu horeysay furay dugsigii tababarka Awaarre kaasoo dufcadii ugu horeysayba ay ka soo bexeen Ciidan ka tirsanaa xoogagii SNM, kuwaasoo uu tababarku u dhamaaday. Ka dibna waxay fureen fadhiisimo kulaalaya gudaha dalka oo laga fuliyo hawlaha halganka gudaha, laguna ururiyo sirta cadawga. Maqaal laguma soo koobi karo kaalintii hogaamineed ee shahiid Mahdi ka soo qaatay halgankii dib u xoreynta dalka.

Shahiid Mahdi Cali wuxuu ku geeriyooday Durya oo ka tirsan Itoobiya 25/11/89kii oo ku beegan maanta oo kale.

Ilaahay ha u naxariisto shahiidka iyo intii kale ee ku geeriyootay halgankii iyo dhammaan umadda muslimiinta ahba. Waxaanu taariikhda kaga jiraa baal dahab ah, isaga iyo intii kale ee ka soo qayb qaadatay halgankii xoraynta dalka.

Diyaariye: Maxamuud Haybe Geelle Hargeysa

 

Maraykanka Oo Sheegay In Lacag Sucuudigu Leeyahay Loo Adeegsaday Weeraradii 11kii September 2001

W

ashington (W. Wararka): Hay’adda wardoonka ee maraykanka FBI ayaa sheegtay in dhaqaale laga helay qoyska boqortooyada Sucuudiga loo adeegsaday weeraradii ka dhacay maraykanka 11 September 2001 kuwaasoo gacanta u soo galay qaar ka mid ah raggii weerarada fuliyay. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay FBI-du lacag gaadhaysa 3500$ ayaa bil kasta ay heli jireen laba ka mid ah raggii hawl galkaa fuliyay oo kala ahaa Khaalid Maxaadir, iyo Nawaaf Xasmi, iyagoo lacagtaa ku heli jiray, sheegashada arday wax ka barata maraykanka gaar ahaana labadaa nin waxay ahaayeen kuwii waday diyaaradii fulinaysay hawl galkii Wasaarada gaashaandhiga (Pentagon), kaasoo aan lagu guulaysan. warar iyaguna ka soo baxay kongereska maraykanka ayaa xaqiijiyay warbixinta FBI-da oo sheegay inay si adag u wadayaan la dagaalanka argagixisada. Balse afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ee sucuudiga ayaa beeniyay eedaynta maraykanka oo ay ku tilmaameen daacayad aanay waxba ka jirin. Waxaanu intaa ku daray afhayeenku, in Sucuudigu ay safka hore kaga jiraan dagaalka lagula jiro argagixisada.

 

 

Sahwiga UDUB iyo Saaxil

Marka la eego ismaandhaafkii iyo khilaafkii siyaasadeed ee dhowaan ka dhex oogmay hogaanka sare ee ururka UDUB ayaa noqday mid guud ahaan si weyn looga dareemay gobolada Somaliland, waxayna dad badan ku noqotay filanwaa, isla markaana waxay dad badani is lahaayeen inuu dib wax u eego mooyaane garabkiisa ama hortiisa cid buu ka eegayaa la isma lahayn, taasn waxa lagu salaynayey xawliga uu goor hore ku dhaqaaqay iyo tabaabushii ay awoodda dawladdu wehelisay oo uula sara-joogsaday. Laakiin dad badan ayaa qaba inuu muranka la soo dersay ururka UDUB ku yimi talo markii hore la seegay, taas oo hadda keentay hoos u dhaca iyo niyad jabka taageerayaashiisa ku yimi.

Markii uu geeriyooday madaxweynihii hore ee Somaliland oo ahaa maskaxdii abuurtiisa ka dambaysay ururkan, laakiin ay dad badani aaminsanaayeen inaan ururkaa abuuristiisa si waafi ah looga fiirsan ama looga baaraan-degin, taas ayaana la leeyahay waxay keentay kala furanka ku dhacay shabakadii sida aadka ah isugu xidhnayd.

Waxa kale oo iyana xusid mudan markii madaxweyne Daahir Rayaale ku dhawaaqay in ay isaga iyo kuxigeenkiisuba yihiin gudoomiye iyo kuxigeenka ururka UDUB iyo weliba labada musharax ee labada jago, taasna waxay dad badani ku tilmaameen mid la qaaday waqti aan ku haboonayn, isla markaana dad badan reer Somaliland ah ayaa ka biyo diiday, waxayna dad badani leeyihiin mudane Rayaale fursadda ugu wacan ee u banaanayd ama waxa laga eegayey waxay ahayd inuu dalka doorasho xalaal ah gaadhsiiyo, isuguna uu qaato waqti uu xaqsoor u ahaado ururada dalka ka jira ee doonaya inay tartamaan, waxaana jirtey in marar badan lagu cel-celiyey waa in UDUB iyo dawladda la kala saaro.

Arintu sida ay doonto ha ahaatee marka la baadho asalka khilaafka UDUB waxay dad arimihiisa u dhuun-daloolaa wax ka saaraan sababta khilaafka hab-dhaqankii ururka iyo hirdan ka dhashay ololihii xulista musharaxiinta golayaasha degaanka.

Guud ahaan gobolka Saaxil, gaar ahaana magaala-madaxdiisa Berbera ayaa ka mid ah meelaha uu hirdankaasi saameeyey, iyadoo aad moodaysay xiligaa inay dadka reer Berbera hal daba la’ u galeen ururka UDUB, waxaana markii la xulayey musharaxiinta UDUB ee degaanka Berbera lagu waajibiyey inuu xafiiska UDUB keeno inka badan 50 qof oo taageersan, waxaana qof kasta laga doonayey 7000 Sh.SL ah, isla markaana qof kasta oo cid u codaynaya wale iyo xilo fur baa laga qaadayey, taasina waxay dad badan ugu muuqatay food dhoolatus ah oo aanay cidi ku wehelin ururka UDUB.

Liisaska musharaxiinta Saaxil waxa ka qayb galay ugu yaraan kontoneeyo qof oo la odhan karo waxay ahaayeen kuwii ugu budh-tuursanaa degaankaa, iyadoo tirada kontonkaa laga rabaa tahay 21 qof oo keliya. Hase yeeshee markii la xereeyey liisaska musharaxiinta ka dib waxa bilaabmay isgarbin iyo is riixid xoog leh, waxayna raggii musharaxiinta ahaa tartan u galeen sidii nin waliba liiska meel hore uga geli lahaa, laakiin waxa markiiba soo if baxay sawaxan la xidhiidha sida loo maamulay liisaska musharaxiinta golaha degaanka UDUB, taas oo ay meesha soo gashay wax kala jiidasho iyo isgarbini,liistada musharaxiinta golaha degaanka gobolka Saaxil, waxaana raggii is sharaxay ee reer UDUB iyo guud ahaan taageerayaasha UDUB niyad jab iyo lah-wi ku abuuray, ka dib markii ay is yeellan waayeen magacyada liisaskii ay xereeyeen bishii Oktoobar ee ina dhaaftay iyo magacyada hadda la soo dhejiyey, liisaska magacyada la soo dhejiyey ee UDUB-na waxa ku saxeexnaa madaxweyne-kuxigeenka Somaliland iyo xubnaha guddiga fulinta UDUB. Sidaa darteed waxay dadka reer Saaxil waqtigan xaadirk ah aad u hadal hayaan ama u faalleeyaan is-dhaaf-dhaafiska lagu sameeyey lambarada liisaska musharaxiinta UDUB.

Xasan Gadhweyne oo dhowaan iska casilay labada jago ee kala ah maayarka Berbera iyo badhasaabka Saaxil isaga oo ka mid ah ragga sharaxan, laakiin intii aanu iska casilin ee xilka wareejin waxa uu liiska kaga jiray lambar kow, laakiin liistada dambe ee soo baxday waxa uu kaga jiraa lambar 9, waxaana la filayay inuu ka cadhoodo talaabadaa oo uu dubur hawd ka xulo, kuna biiro ururada kale ee aan UDUB ahayn, waxaana ugu yaraan la filayey inuu ugu yaraan ka tanaasulo musharaxnimada sida maayar-xigeenkiisii oo markii is sharaxay markii dambena markii uu arkay inay rajadu xun tahay is casilay. Laakiin Xasan Gadhweyne mar aan waydiiyey bal sida uu u arko liiska dambe ee uu kaga qoran yaha lambar 9 wuxuu ku jawaabay “Muhim ma aha in lambar kow laygu qoro iyo in lambar sagaal laygu qoro, laakiin waxay mudnaanta koowaad tahay sidii ay doorashooyinku turxaan la’aan inoogu qabsoomi lahaayeen”, laakiin mar kale isaga oo ka hadlaya khilaafka soo food saaray ururka UDUB ee uu ka tirsan yahay wuxuu yidhi “Anigu taa wax sii fog uma arko, waayo urur waliba dhexdiisaa madmado waa leeyahay, aniguna hore UDUB baan u ahaa, hadana UDUB baan ahay, waxaana rajaynayaa aniga oo ah oday xisbiga ka tirsan wixii dhinacayga xalili karo inaan sida ugu haboon u xalilo”. Hase yeeshee mar aan waydiiyey Xasan Gadhweyne bal sida ay rajadiisu tahay mar hadii lagu soo qoray lambarka sagaalaad waxa uu sheegay inuu raali ka yahay hadii uu noqdo xubinta 21aad, isaga oo xusay inaanu horena isagu qorin lambarka koowaad ee uu ururkiisu ku qoray, isla markaana waxa uu ku dooday in sababta uu isu sharaxay aanay ahayn halagu doorto balse uu uga jeeday taa dhiiri gelin la xidhiidha tartanka doorashada madaxda.

 

Idaacadda Laascaanood

L

aascaanood (Haatuf): Magaalada Laascaanood waxa ku yaal idaacad yar oo FM ah, waana warbaahinta ama saxaafadda keliya ee ka jirta magaalada, waxaana markii u horaysay la taagay bishii Oktoobar sannadkii 2000.

Idaacadaasi laba goor ayey hawada soo gashaa, waxayna kala yihiin 1:oo duhurnimo ilaa 2:00 duhurnimo (Hal saac0, mar labaadkana waxay soo gashaa 6:30 maqribnimo ilaa 8:45 habeenimo, idaacadaasna waxa dhowaan laga keenay dalka Ingiriiska, taas oo jaaliyadda reer ku soo deeqday.

“Raadyow Laascaanood waa idaacad madax banaan oo ku hadasha codka dadweynaha”sidaa waxa yidhi Faysal Jaamac Aadan oo ah maamulaha idaacadaa oo hawlaha idaacadiisa kala sheekaystay weriye Liibaan Maaweel Shire oo Haatuf ka tirsan oo dhowaan ka soo laabtay socdaal hawleed uu muddo ku joogay gobolka Sooil, wuxuuna faysal sheegay inay idaacaddaa ka shaqeeyaan ilaa tobaneeyo qof , laakiin Faysal isaga oo ka waramaya sababta ay idaacadda u abuureen wuxuu yidhi “Ujeedada aanu idaacaddan u aasaasnay waxay ahayd si ay ummadda degaankan ku nooli u hesho warbaahin, waxayna idaacadaasi wax ka tartay dhinacyo badan”, laakiin maamulaha idaacaddaa mar aan waydiiyey meesha ay idaacadoodu ka diiwaangashan tahay wuxuu yidhi “Ma jiro maamul ay ka diiwaangashan tahay, laakiin markii u horaysay waxaanu ka diiwaangelinay maamulka Somaliland, balse mar dambe ayaa la soo saaray wareegto la leeyahay idaacad aan ta Hargeysa ee dawladdu gacanta ku hayso ahayn dalka lagama furi karo, taasina waxay meesha ka saartay wixii xidhiidh ah ee aanu la yeelan lahayn dhinaca Somaliland, iyadoo wareegtada naloogu ogolaaday iyo ta nalagaga joojiyey labadaba uu soo saaray wasiirka warfaafinta dawladda Somaliland”.

Idaacaddani waxay baahisaa barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Bandhigga Raadyowga, Barnaamijka Fanka, Toddobaadka iyo martida Raadyowga,  ciyaaraha iyo wararka caalamka, laakiin barnaamijyada idaacadaa ka baxa waxa ka mid ah mawduuca Raadyow ma qaloocshe ee toddobaadkii hal mar ku soo baxa wargeyska Haatuf, wuxuuna ka mid ah mawduucyada loogu jecel yahay ee idaacadaa ka baxa. 

 

Beelaha reer Caynaba

C

aynabo (Haatuf): 55 qof oo isugu jira cuqaal, duqay iyo wax garad kale ee beelaha degaanka ayaa bayaan qoraal ah oo ay soo saareen 19-kii bishan ku sheegay inay diidan yihiin sida loo maamulay xuduudaha degmadooda Caynabo, taas oo ay sheegeen in lagu xad-gudbay xaduudihii ay degmadoodu lahayn, lana raaciyey degmo kale , waxayna dadka bayaankan ku saxeexani si gaar ah farta ugu fiiqeen guddiga doorashooyinka, iyaga oo si gaar ah xubno guddiga ka mid ah oo aanay carabaabin.

Qoraalkan oo laba bog ka kooban waxaanu nuxurkiisa ku soo koobnay sidan:

“Hadii aanu nahay magacyada hoos ku saxeexan oo ka kooban beelaha degaanka Caynabo, waxaanu xukuumadda Somaliland ka codsanaynaa inay joojiso xuduudaha degmada ee sida sharci darada ah loogu wareejiyey degmooyinkan kale.

=Markii la abuuray dawladda Somaliland waxay xukuumaddu cadaysay inay degmo kastaa lahaanayso xuduudeheedii hore. Sidoo kale markii lagu dhawaaqay degmooyinka cusub waxay xukuumaddu soo saartay inay degmooyinka cusubi maamuli karaan 5 KM oo keliya inta sharci kala xaddaynta ah laga soo saarayo.Sidaa darteed ma jiro wax intaa ka dambeeyey  oo laga soo saaray wax ka bedelka xuduudaha degmooyinka.

Degmada Caynaba oo ka mid ah gobolka Sool waxay xuduudaheedu ku sinaayeen ilaa dawladdii gumaysiag Ingiriiska, laakiin waxa la yaable leh markii guddiga doorashooyinku 8 tuulo oo degmada ka mid ah ay raaciyeen degmada Gar-adag, sida ku cad qoraalka loo qaybiyey asxaabat ee goobaha cod bixinta, waxaana tuulooyinkaa ka mid ah Ballanbaal, Dhanaano, Ceel-cadde, Gawsaweyne, Qoridheere, Tuurka, God-heeli, Geel-caseeye iyo Docolka, kuwaas dhammaantood ka mid ah xuduudaha iyo maamulka Caynaba, iyadoo ay xuduudaha degmadani yihiin kuwa aan lagu murmi karin oo qadiim ah. Isla markaana xuduudaha waxa asbuucii dhowaa cadeeyey wasaaradda arimaha guduhu guddi ay u soo dirtay degmooyinka Caynaba, Ceel-afweyn iyo Xudun, laakiin waxaanu la yaabanahay degmada ku taal gobolka Sool ee ku murmaysa degmo kale xuduudaheeda.

Hadaba miyaanay ahayn wax lala yaabo oo argagax leh guddiga doorashooyinka ee loo xil-saaray  xaq soorka ummadda ee dhul ay degmo iyo gobol kale leeyihiin ku wareejisay qaab sharci daro ah, taas oo aan la garanayn meel ay guddigaasi u soo mareen. Miyaanay taasi u muuqan inay guddigaasi doonayso inay colaad iyo isku dhac ka dhex abuurto dadka dhexdiisa xiligan xasaasiga ah ee doorashada lagu jiro. Sidaa awgeed dawladda Somaliland iyo guddiga doorashooyinka waxaanu u soo jeedinaynaa in  degdeg looga noqd arintaa.
Dadweynaha Reer Gar-adag ee aanu walaalaha iyo jaarka nahay waxaad moodaa inay qaarkood ilaa intii dalka la soo galay ay duulimaad ku ahaayeen degaamada Caynabo, laakiin waxaanu u sheegaynaa inaanay arinta ka marin dhinaca xun”.

Dadka qoraalkan saxeexayna waxa ka mid ah:
!Caaqil. Maxamed Cawaale Axmed, Caaqil.Maxamed Cismaan Xasan, Caaqil Daa’uud Siciid, Caaqil Axmed Diiriye Barre, Caaqil Saleebaan Yuusuf Qodax, Caaqil Siciid Warsame Yuusuf, Caaqil Maxamuud Xasan, Caaqil Cali Buraale, Caaqil Jaamac Warsame Faarax, Caaqil Ismaaciil Ducaale, Caaqil Maxamed Kaarshe Faarax, Caaqil C/laahi Siciid Yuusuf, Caaqil Jaamac Cabdi Maxamed, Caaqil Yaasiin Axmed Food iyo 41 xubnood oo kale oo isugu jira odayaal, Haydhtuulayaal iyo wax garad kale.

 

Loolanka siyaasadeed Haa, Hirdan Daneed Maya!!

Faallo Cumar D. Cumar

Maskaxda bani’aadamka waa qaybaha jidhka qofka ee leh anfaca shaqo ee ficilada uu qofku ku waajaho noloshiisa, ilaa hadda culuunta la qoray wax badan lagama yaqaan qaybo ka mida sida ay u shaqayso maskaxda dadku, laakiin waxaa jira kala duwanaasho qaababka ay u fikiraan maskaxa dadku, waana arrinta keentay kala duwanaasha fikirka iyo waxqabadka dadyowga adduunka qof qof ahaan iyo qowmiyada qowmiyad ahaan, ilaa qaarad iyo qaarad, waana saldhiga kala duwanaasho horumarinka ee dadyawga ku nool dunida, habdhaqanka xoolo dhaqato ee asalka u ah dadka reer Somaliland, habka casriga ee magaalooyinka ee leh nidaamka dawladeed ayaa sababtay in uu muuqda kaalin loo yaqaan siyaasi oo aan hore ugu jirin dhaqankeena xoola dhaqatanimo oo lahaa qaab talo wadaag oo uu gole u ahaa geed hoostiisu oo aan lahayn kala sarayn iyo takoor midna, lahaana xoriyada hadalka iyo talo soo jeedinta oo waafaqaysa xeerarka iyo habdhaqanka hadda dunida u taqaan dimuqraadiyada, haddii la yidhaa dimuqraadiyadu way ka jirtay dhulkan kumaankun sanadood oo ay soo taxnayd nolosha xoolo dhaqatanimo ee dadka ku nool Somaliland waa arrin dooda gali karta, nidaamka maamul waxaa la isku raacay in uu dan u yahay dadka, marka maamul yimaadana waxaa soo baxaya cidii maamuli lahayd ama hogaamin lahayd oo iyana qaadatay magaca siyaasi oo noqon kara qof maamulaya, haddii uu maamul hayo iyo  haddii aanu hayn, laakiin indhihiisa iyo maskaxdiisuba ay halkaa ku jahaysanyihiin dhinaca maamulka iyo dawladnimada, dadka hawshaa siyaasada ku biiray ee loogu yeedho siyaasiyiin ayaa waxaa ka dhex jira tartan iyo loolan la mida ka ka dhaxeeya ganacsatada, beeralayda, kaluumaysata, ardayda, dhinac ahaan, waxaase jirta in tartanka ka dhaxeeya laba ganacsade haddii uu mid guulaysto waxaa ka soo baxaya uu yahay ganacsadaha kale oo khasaara, waxa lagu tartamayaa ay tahay bucshiirad alaaba oo la iibinayo laakiin labada siyaasi waxay ku tartamayaan masuuliyad aad u ballaadhan oo ah malaayiin qof hogaamintood ama boqolaal kun kolba inta ay tahay tirada umada ay siyaasiyiinta ku tartamayaan hogaamintooda ay tahay, marka la tixgeliyo miisaankeeda waxaa muuqata in ay tahay arrin u baahan taxadar, foojignaan, aqoon, daacadnimo, sida ugu faa’iidada badan ee uu tartanka siyaasadu ku midha dhalinayo, ee isla markaana leh waxyeelada ugu sahlan ee ka iman karta tartanka arrintaa ay ugu tartamayaan siyaasiyiintu, marka arrintan la barbardhigo xaaladda Somaliland ee xiligan ee ay jirto tartamo loogu tartamayo siyaasada hogaaminta ee Somaliland waxaa la is odhan karaa way ku haboontahay in laga hadlo sidee ugu haboon ee waafaqsan danta dadka ku nool Somaliland in loogu loolamo siyaasada Somaliland, arrintan masuuliyadeedu waxay aad u saarantahay shaqsiyaadka u soo banbaxay ku tartankeeda, waxaa looga baahanyahay in siyaasiyiinta reer Somaliland ay maskaxda ku hayaan saddexdan arrimood

1.       Somaliland dadkeeda wali waxaa tiro badan dadka aan helin fursada Waxbarashada.

2.       Ku dhaqanka qabiilka iyo qabyaalada waa arrin xoog leh weli.

3.       Waa dad sooo maray dagaalo sokeeyo, qaxooti oo aan helin caawimada dib u dhiska heerkii looga baahnaa.

Marka la eego dadka leh qodobada aynu xusnay oo lagu loolamayo hogaamintoodu waxaa dhici karta laba arrimood oo ka soo bixi kara kuwaas oo ah, in si khaldan wax loo taageero, iyo in si khaldan wax loo mucaarido, labadan qodob waxay aragti ahaan iila muuqataa arrimo sahli kara in loolan Siyaasadeed uu noqdo hirdan uu ku lifaaqanyahay dan-gaara oo uu leeyahay siyaasigu, waxaase loo baahanyahay in siyaasiyiinta Somaliland ay noqdaan  iyagu tusaale xaga midnimada ah, tusaale dhinaca ku qanaca doodaha ah, gar qaadasho, isaga tanaasul, qiraal qofba wuxuu kaga haboon yahay ka kale, u qiro, haddii ay  aanay sidaa u dhaqmin ma noqon doonto siyaasad midha dhasha oo waxtar leh haddii ay tusaale u noqdaan siyaasiyiinta reer Somaliland, kala faquuq, colaad, nacayb, xisdi, tanaasul la’aan, garqaadashada la’aan. Tayduunbaa saxan iyo hebel hay tusin.

Aragtida qoraalkani waxay ku salaysantahay in qaab dhaqan looga baahanyahay siyaasiyiinta reer Somaliland doorashooyinka soo socda uu ahaado kan aynu xusnay ee ah haa loolan Siyaasadeed, maya hirdan dan aan dan u ahayn midnimada iyo wada noolaanshaha dadka reer Somaliland ee maalinba maalinta ka dambaysa sii kobcaysa.

 

Hordhaca dib u eegista qoraalka af-somaliga

A

xmed Cige Ducaale oo ah khabiir ku takhasusay luqadaha iyo waxbarashada oo ka qaybqaadan doona kulan ay aqoonyahanadu dib ugu eegi doonaan qoraalka Af-somaliga oo ay qaban-qaabinayso Shabakadda wararka ee Haatuf Media Network, ayaa qoraalkan hor-dhac ahaan uga diyaariyay.

 

Dhibaatooyinka ay wadato xuruufta Af-Somaliga ee qoran

 

Hordhac guud

Horta sideedaba huruufta Alif-ba-du nooc kastaba ha noqotee af kastana ha adeegsadee, waxa gundhig u ah in ujeedadu tahay tiigsiga isku-beegida erayga qoridiisu iyo dhawaaqiisu, oo aan marna khilaaf ku iman, waana ta keenta inay umadaha qaarkood kaba dhigtaan arrin ku talogal ah kolka laga soo wareego muddo ba ama qarni ama nus-qarni in qorida wax laga beddelo si loogu beego dhawaaqidda erayga haddi jiilashi is-daba joogay codad cusub la yimaadeen.

Waxa kale oo taa raacda inaanay dadka waaweyn ee mudakarka ahi marka la dhaqangelinayo xuruuf cusub ama Alif-ba cusub inaanay danaynba oo aanay dimaaqoodaba gelin, laakiin waxay shaqadooda tahay oo ay mashquulisaa caruurta yaryar ee maskaxdoodu curdinka tahay ayaa sida tirada loo qaybsiiyaa. Taa waxa lagu ogaan karaa haddii dadka waaweyn la waraysto bal inay yaqaaniin sida xuruufta Ba-ta-ja-du u kala horayso oo u akhrisanto?

Waxay jawaabtu u badan tahay in dadka waaweyni garanayaan tii caruurnimadii loo dhigay uun.

Soddon sano kahor 72-kii, kolkii la hirgelinayay qorida Af-Soomaaliga, hamigi la watay wuxuu ahaa mid aan loo jeedin oo khusayn maskax caruureed.

Dadki mudakarka ahaa markaa ayaa la raaligelinayay, oo doonayay inay fartooda qortaan, madaxdi milatariga ee xukunkii dawladda iyo dalkaba xoog ku maroorsadayna waxay u heelanayeen arrin dadweynuhu raali ka yahay oo ay ku gabraartaan kuna fushadaan mabaa’diidii siyaasadeed ‘Hanti-wadaag cilmi ku dhisan’ (scientific socialism) ee laga soo ergistay dawladdi Ruushka iyo bahwadaagteedii.

Amuuraha farta cusubi la timid ee maskaxda caruurta yar-yar markiiba dhawawalay waxa ka mid ahaa;

·         In farta somaliga la yidhaa Ba-ta-ja…. Halka Carabiga laga yidhaa Alif-ba-ta…

·         Waxa farta somaliga loo siin waayay Alif u horeeya sida Carabiga?

·         Waqti kadib marka ardayga loo dhigayo yeedhiska sida loo qoro ereyada, ayaa macallinku u sheegaa ardayda inuu alifka ku jiro xuruufta oo loo yaqaan hakat, loona qoro (‘). Laakiin xuruufti aas-aasiga ahayd (Ba-ta-ja.) wuu ka maqan yahay oo laguma darin.

 

Somalidu waxay ku maahmaahdaa; “Alif kaa xumaaday Al-baqra kaagama hadho.”

Waxay u egtahay inay male-awaal uun ahayd intii hore, maantase waxa cadaatay inay maahmaahdaasi dhabawday, oo da’ooyinki is daba-joogayba Ba-ta-ja-da ku bilaabay ee alifka ku xumaaday ay haatan noqdeen wixii afartan-jir gaadha kuwaas oo umadaba u badan.

Alifka maqan waxa soo raaca “tha-b”-da, iyo sumado codeed oo kala duwi lahaa ereyadan;

- Inan (wiil) iyo inan (gabadh).

-          Dibi (oo ah hal) iyo dibi (oo ah jamac).

Iyo sida loo kala duwi lahaa;

-          Cadho (wuu cadhoonayaa) iyo cadho (wuu cadhoobay).

Dhibaatooyinka caruurta qasa waxa kamid ah in qoraal dareerinta Carabida iyo ta Laatiinku iska soo horjeedaan; Carabiduna waxay u socotaa bidixda, Laatiinkuna midigta. Waxa taas raacda aragtida cilmi-luqadeedka (linguistic perspective) ee isku-dhafidda codadka ee (shibanayaasha iyo shaqalada) ee labada Alphabet (carabida iyo laatiinka) oo xoog u kala duwan. Run ahaantiina noqda arrin ku culus in lagu soo cuyubo carruurta yar-yar maskaxdooda curdinka ah (xagga carabiga shaqaladu waa xarako la socota shibanayaasha, xaga laatiinkana gooni ayay isku taagi karaan ilaa muddadii diinta islaamku soo gaadhay somalida kun iyo afar boqol oo sanadood kahor (1400), wax akhriga iyo wax qorida waxay ku ababaysay xuruufta somaligu higaada carabiga (Alif-ba-da) oo u ahayd qur’aan akhriska iyo barashada carabiga.

Ba-ta-ja-du dhibaato kale ayay caruurta bilaabysaa kala kulmaan. Wa dhibaato aan carabigu lahayn bilawgaba kala horayntii xuruufta ayaa isku qasanta si uu macallinku ug dhigo carruurta xarafka oo u qormaaya (kha) waxay kalifaysaa inuu macallinku soo qaddimo barashada (kaaf) iyo (ha), iyo weliba barashada in israacintoodu noqonayso (kha,)

Ku ababinta caruurta higaada carabiga ah, somalidu si doorsan ayay ugu aayeen. Waxay ku majeertaan farta carabiga, dadka ku takhasusa cilmiga afafku (liuguists) inay qorida carabigu hanatay ‘isku-beegid quman’ (optimal phonology). Waan heer af-waliba tiigsanayo, oo jeclaan lahaa inuu gaadho. Isku-beegida qumani, waxay si siman u waafaqdaa dhismaha curdinka ah ee ilmaha yar; halka farta kala dhimani ee aanay isku habaysnayn isku-beegida qoridaa iyo codadkii ay maskaxda curdinka ah is-khilaaf dhawawaliya ku kar-kabaynayso. Waxa lagama maarmaan ah in la dhawro maskaxda curdinka ah inay ku sii waarta dabicii inay adkaanayso, oo aan lagu cuyubin wax dhawoweli kara.

La soco…….

 

MU'MINIINTII AAN REER MAKKA AHAYN

R

asuulka SCW markuu arkay in reer Makka ay xaqii qaadan la'yihiin, ilaa intii hore u islaamtay maahane, ayuu bilaabay inuu xoogga saaro dadka meelaha kala duwan ka imaanaya oo xajka u imaanaya. In kastoo ay shayaadiintii Makkana faafinayeen dacaayaddoodii, haddana Rasuulka SCW kama daalin inuu dadkaas dacwada gaadhsiinayo.

Maalin ayuu wuxuu la kulmay nin la odhan jiray Suweyd ibnu saami oo ahaa nin caan ku ahaa gabayga oo ka yimid magaalada Madiina. Wuxuu Nabigu SCW ninkaas u bandhigay islaamka hase yeeshee Suweyd wuxuu ku jawaabay: "Waxa aad taqaanno aniguba waan aqaannaa". Rasuulka SCW wuxuu yidhi: "maxaad taqaanaa?", Suwedna wuxuu yidhi: "waxaan aqaannaa xikmaddii Luqmaan". Rasuulku SCW wuxuu ku yidhi: "akhri', Suweydna, wuxuu akhriyey gabaygiisii iyo wuxuu yaqanney. Rasuulka SCW markuu ka dhegaystay ayuu ku yidhi "warkaad sheegayso waa wanaagsan yahay laakiinse waxaan hayo ayaa ka wanaagsan waana qur'aan Ilaahay igu soo dejiyey oo hanuun iyo nuur ah". Nabigu SCW qur'aankii ayuu Suweyd ku dul akhiryey. Suweyd markuu dhegaystay wuxuu yidhi: "waa war wanaagsan wuuna islaamay, markuu Madiiina ku laabtayna wuu geeriyooday.

Abii-darr Al-qafaari, oo ka mid ahaa dadkii degganaa agagaarka Madiina, ayaa markuu maqlay in Makka uu Rasuul Ilaahay soo diray joogo wuxuu soo diray walaalkiis oo uu ku yidhi: "u tag ninkaas oo khabar fiican iiga keen". Ninkii markuu soo laabtay wuxuu ku yidhi: "waxaan soo arkay nin dadka kheyrka ugu yeeraya, sharkana ka celinaya". Abii-dar warkaasi waa ku filnaan waayey sidaa darteed ayuu tegay Makka isagoo doonaya inuu la kulmo Rasuulka SCW soo baxay.

Abii-darr markuu Makka yimid wuxuu degay Xaramka biyaha Samsamkana wuu ka cabbayey oo uu saas yahay ayaa maalinkii dambe waxaa soo maray Cali Binu Abii-Daalib, markaasaa Cali la hadlay oo ku yidhi: "waxaa la arkaa inaad soo galooti tahay, Abii-Darr ayaa markaa ku jawaabay "haa", Cali wuxuu yidhi "soo bax aan guriga aadnee, Abii-Darrna wuu ka yeelay oo wuu raacay, hase yeeshee Abii-Darr uma aanu sheegan, Calina waxba ma weydiin sidaas ayeyna ku kala tageen. Maalinkii dambe ayaa Cali mar kale soo maray Abii-Darr markaasuu ku yidhi: "wali arrintaadii kuuma hirgelin miyaa?" Haa ayuu yidhi Abii-Darr, markaasuu Cali yidhi, nakici Abii-Darrna waa raacay. Markaasaa Cali weydiiyey oo ku yidhi, maxay ahayd dantaad lahayd oo aad u timid magaaladaan? Markaasaa Abii-Darr yidhi: "waan sheegayaa haddaad ii qarinayso". Calina wuxuu yidhi: "waan kuu qarin". Abii-Darr dantiisii ayuu sheegay, markaasaa Cali ku yidhi: "waad heshay, halkaasaan gelayaaye iga soo daba gal, hadiise aan arko cid aan kaaga cabsado bannaankaan istaagayaa, waxaana iska dhigayaa sidii wax kabta hagaajisanaya, ee adigu iska gudub". Cali gurigii ayuu toos u galay, abii-Darr waa ka daba galay. Wuxuuna meeshii ugu tegay Rasuulkii SCW markaasuu ku yidhi, Islaamka ii sharax, markii uu Rasuulku SCW u sharaxayna wuu Islaamay. Wuxuu markaa Rasuulku ku yidhi: "Iska tag oo carradaadii aad, oo noo imow markaad maqasho inaan guulaysanay". Wuxuu markaa Abii-Darr Rasuulka ku yidhi, Ilaahii xaq kugu soo baxshaan ku dhaartaye, inaan Qureysh kala dhex kicin (Islaamnimadayda) markaasuu baxay oo u tegay Qureysh oo Xaramka ka buuxda wuxuuna ku yidhi: "Qureysheey waxaan qirayaa Alle mooye Ilaah kale inuuna jirin, Maxammedna yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii". Qureysh markay kalimaddaas maqashay ayey hal mar ku yaaceen iyagoo leh "kan iishay qabta", wayna garaaceen. Waxaa markaa u yimid oo ka qabtay Cabbaas binu Cabdi mudalib, kuna yidhi: 'waar hooggiinee, ma waxaad dilaysaan nin reer Qafaari ah. Ma idiin badbaadayaa safarkiinna aad reer Qafaari sii martaan". Markaasay iska daayeen. Maalin labaaddii ayuu Abii-Darr mar kale Xaramkii tegay oo sidii oo kale ku yidhi, iyaguna sidii oo kale ayey ku sameeyeen. Markaasaa Cabbaas mar kale ka qabtay oo sidii oo kale ku yidhi. Dabadeedna Abii-Darr wuu iska tegay oo dhulkiisii ayuu ku laabtay.

Sidoo kale dadkii dacwadaa ku soo islaamay waxaa ka mid ahaa Dammaan Al-Asadi oo ahaa reer Yaman, ahaana nin cudurka dabaysha ku tufa oo daweeya. Markuu Dammaan yimid Makka ayuu maqlay iyadoo la leeyahay nin waalan oo Maxammed la yiraahdo ayaa halkan jooga ee iska jira, markaasuu run mooday hadalkaas wuxuu yidhi: "waxaa la arkaa in Ilaahay gacantayda ku daweeyo haddaan u tago oo aan ku tufo". Dammaan Rasuulka SCW ayuu u yimid oo ku yidhi: "Maxammed dabaysha ayaan ku tufaa ee ka waran haddaan wax kugu tufo, waxaa la arkaa in Ilaahay kugu caafiyee". Rasuulka SCW lamuu yaabin Dammaan maxaa yeelay, dacaayadahaas iyo kuwo kale oo la mid ah ayaa Makka laga faafinayey, lagana dhaadhicinayey dadka soo galootiga ah. Dadka badankooduna wax ma hubsadaan mana baadhaan ee wixii lagu yidhaahdo ayey iska qaataan. Islaamkuna sidiisaba ma oggola in qofku wixii loo sheegaba iska rumeysto isagoo aan hubsan oo aan caddeysan.

Rasuulka SCW wuxuu bilowday hadalkiisii isagoo ku furturanaya iftitaaxa caamka ah oo ah: Ilaah ayaa mahad iska leh, waan mahadineyna waan kaalmo weydiisaneynaa, waana dambi dhaaf weydiisaneynaa. Waxaan Allaah ka magan gelaynnaa naftayada sharteeda iyo acmaasheeda xun. Qofkii Allaah hanuun la doono cid baadiyeyn kartaa ma jirto; qofkuu baadiyeeyana wax hanuunin karaa ma jiro. Waxaan qirayaa in Allaah keliya mooyee aanu Ilaah kale jirin, keligiisna uu yahay, shariikna aanu lahayn. Waxaan kale oo aan qirayaa in uu Maxammed yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii. Dammaan markuu maqlay kalimmadahaas cajiibka ah ee tawxiidku ka buuxo aad ayuu ula dhacay, wuxuuna ogaaday in xaqiiqadu ayna ahayn sidii lagu yidhi, markaasuu yidhi "iigu celi". Markuu Rasuulka SCW mar labaad ugu celiyeyna islaamka ayuu qaatay, wuxuuna yidhi "hadal curraafi iyo saaxir waan maqlay weligeyna hadalkaan oo kale ma maqal.

 

 

SOO ISLAAMIDDII REER MADIINA

Dadkii uu Rasuulka SCW kula kulmay mawaasimtii xajka ee uu dacwada gaadhsiinayey: waxaa ka mid ahaa lix nin oo reer Madiina ah oo u yimid xaj, lixdaas oo kala ahaa: Ascad binu Suraarah, Cawf binu Xaarith, Raafic binu Maalik, Qudba binu Caamir, Cuqbah binu Caamir, iyo Jaabir binu Cabdullaahi binu Ri'ab. Siduu kula kulmayna waxay ahayd habeen Nebiga SCW iyo Abuubakar oo ku wareegaya dadka xajka u yimid oo dacwada gaadhsiinaya siduu Nabigu xajwalba samyn jiray, ayuu yidhi: Kuwamaad tihiin? waxay yidhaahdeen koox reer Khasraj ah ayaan nahay. Wuxuu yidhi: waalidii Yahuudba? Waxay yidhaahdeen haa. Wuxuu yidhi: maad fadhiisataan aan idinla hadlee? Waxay yidhaahdeen waa yahay. Markaas Rasuulku SCW u bandhigay islaamka, wayna qaateen; waxayna ku laabteen Madiina, wuxuuna waqtigaasi ahaa sannadkii 11aad laga soo bilaabo soo diriddii Rasuulka SCW.

Sidaa la ogsoon yahay magaalada Madiina waxaa wada degganaa laba qabiil oo carab ah iyo saddex qabiil oo yahuud ah. Yahuuddu waxay rumeysneyd diintii Nabi Muuse oo waxay ahaayeen Ehlu-Kitaab; carabtuna waxay ahaayeen mushrikiin asnaamta caabuda oo aan diin heysan, marar badanna wixii mas'alo diin ah oo ay qabaan waxay weydiin jireen yahuudda. Yahuuddu waxay carabta ugu faani jirtey in uu imaan doono Nabi diintoodu sheegtay oo aakhiru-semaanka imaan doono oo ay rumeyn doonaan iyagu (yahuuddu) lana dagaallami doono iyaga (Carabta). Sidaa daraaddeed lixdaa nin markay Rasuulka SCW arkeenba hore ayey ka islaameen, waxayna xaqiiqsadeen inuu yahay Nabigii ay yahuuddu sheegi jirtay. Ka dibna waxay ku laabteen Madiina iyagoo Ducaad ah, waxayna ku faafiyeen Madiina dacwadii islaamka

 

Ka baro xuquuqdaada

4. Talo soo jeedinta la wareegida dhul banaan oo dad kale leeyihiin dan guud awgeed, iyada oo la waafajinayo shuruucda.

5. In uu kormeer iyo badhitaan ku sameeyo hab-sami-u-socodka hawlaha maamul degmo.

6. Waxaa uu geli karaa heshiisyo maamulka degmadu dhinac ka tahay oo la xidhiidha hawlaha dawladda hoose.

 

7.5. Doorashooyinka golayaasha degaanka

sidee loo dooranayaa golayaasha degaanka?

Sida ku cad xeerka doorashooyinka golayaasha degaanka iyo madaxtooyada No. 20/2001, habka doorashada golayaasha degaanku waxa uu noqonayaa;

1.             Habka doorashooyinka degaanada wuxuu noqonayaa habka isu-qiyaasidda saamiyada kuraasta iyo tirada codadka uu xisbi-urur ka helo gobol ama degmo (proportional representative system). Hase yeeshee, doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka madaxweynaha waxay noqnaysaa habka aqlabiyadda haldheeriga ah (majority system), sida distoorku tilmaamay.

2.             doorashada golayaasha degaanada xisbi/urur kastaaba wuxuu soo bandhigayaa liiska dadka uu u doonayo in degmada looga doorto. Tirada dadka liiska lagu qorayaa waa inayna  ka yaraan laban-laab xubnaha laga doonayo in degmo kasta laga soo doorto.

3.             tirada kuraasida uu helayo liis kasta oo dadka loo soo bandhigay inay ka qaybgalaan doorashada golayaasha degaanka waxa loo xisaabiyaa qaabka qiyaasta saamiga kuraasta iyo codadka (proportional representative list system).

4.             degaamada aan tartan ka jirin ee la soo bandhigo liis keli ah, cod-bixin laga samayn maayo, waxaana la qaadanayaa dadka la soo magacaabay degaanadaas, iyada oo ku jaan-go’an tiradii degmada laga doonayay waxaan loo raacayaa sida loo kala horaysiiyay.

 

7.5.1. waa maxay shuruudaha musharaxa golayaasha degaanku?

Sida ku cad xeerka gobollada iyo degmooyinka jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 26aad, shuruudaha musharaxa golayaasha degaanku waa;

1.             waa in uu yahay muwaadin u dhashay jamhuuriyada Somaliland.

2.             waa in uu si rasmi ah u deggan yahay degmada uu iska sharaxayo.

3.             waa in uu muslim yahay

4.             waa in aan da’diisu ka yaraan 35 sano, sanadka doorashada la qabanayo

5.             waa in uu ku sifoobay xilkas, dhaqan toosan bulshada dhexdeeda

6.             waa in uu leeyahay aqoon dugsi sare ama waayo-aragnimo u dhiganta haddii uu iksu sharaxayo degmooyinka darajada ‘A’ iyo ‘B’. haddi uu iska sharaxaayo degmooyinka derejada ‘C’ iyo ‘D’ waa uu lahaado aqoon dugsi dhexe ama waayo-aragnimo u dhiganta.

7.             waa in aanu ku dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga cadaaday 10-ki sano ee u dambeeyay.

8.             waa in uu canshuur bixiyay degmada uu degan yahay ama uu ka qayb-qaatay si mutadawacnimo hawlo dan guud ah ee degmadaas.

 

7.5.2. tirada xildhibaanada golayaasha degaanka

sida ku cad xeerka gobollada iyo degmooyinka jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 25aad, tirada xildhibaanada golayaasha degaanka waxay ku salaysan yihiin darajooyinka degmooyinka oo kala ah;

1.             caasimadda Hargeysa (25 xubnood)

2.             degmooyinka derejada ‘A’ (21 xubnood)

3.             degmooyinka derejada ‘B’ (17 xubnood)

4.             degmooyinka derejada ‘C’ (13 xubnood)

5.             degmooyinka derejada ‘D’ (9 xubnood)

 

derejada magacyada degmooyinka dalka JSL oo sidan kala ah;

 

 

Dildilaacii Ubaxa iyo Kacaankii Dhergiga

Tasfaaye: Ma jirto haba yaraatee wax amar ah oo aan bixiyey oo aan idhi ma jito cid bixi kartaa, hadii ay tahay guud ahaan askarta iyo hadii ay tahay cid gaar ah toona ma jirto cid aan ku amray inaanay bixi karin. Waxa jirey niman iga codsaday oo igu yidhi aanu baxno nimankaasna waan garanayaa, laakiin maba jirto cid kale oo igala hadashay ama I waydiisatay inay baxaan.

Nimanka iga codsaday inay baxaan ilaa shan nin bay gaadhayeen, waxaana ka mid ahaa Kaasa Gabree, Takasa Shawaa iyo qaar kale, dabadeedna inta ay macal gaadiidkoodii soo diyaarsadeen ayey yidhaahdeen na fasax, ka dibna waxaan ku idhi “Anigu ma awoodo inaan idin fasaxo ee orda oo fasaxa waydiista Tasfaaye Walda Kidaan hadii uu isagu idin fasaxo aniga wax iga khuseeya ayaan-ba jirin waayo isaga ayaa iminka ah gudoomiyaha golaha qoomiyadaha, markaa anigu waan idiinku sheegi oo hadii idiin ogolaado waan bixi kartaan”, dabadeedna way u tageen, laakiin aanu baxno ee na fasax kumay odhan ee waxay ku yidhaahdeen “Dhinaca koonfureed ee dalka ciidanka jooga ee uu hogaaminayo Janaraal getaajaw Shibaashi si aanu dhinaca difaaca gacan uga siino oo aanu ugu tagno noo fasax”, wuxuuna ku yidhi “Laydin-ma fasaxayo”, dabadeedna inta ay igu soo noqdeen ayey igu yidhaahdeen ninkaasi wuu noo diiday inuu na fasaxo ee maxaanu yeelnaa”, waxaan ku idhi “Mar kale ku noqda ooo xaafadiisa ugu taga maadaama uu xafiiskiisu buuq yahay”, ka dibna sidii bay yeeleen oo gurigiisa ayey ugu tageen, laakiin telefoon ayey igula soo hadleen, waxayna ii sheegeen inuu diiday, intaa ka dibna iguma ay soo noqon. Hase yeeshee marka laga yimaado dhawrkaa nin ma jirto cid kale oo tidhi waanu tegaynaa oo xataa koontaroolka gaadhi karaysay.

Janaraaladii dhinaca gobolka Sidaamo joogay sida Gadla Goorgis iyo qaar kale inta ay u kaceen jiidaha uu haystay janaraal Getaajaw Shibaashi ayaa markii ay meel dhexe marayeen qori lagu dhuftay, wayna dhinteen meesha ay ku dhinteena janaraal Getaajaw ayaa ka masuul ahaa oo haystay. Ta kale in koontaroolada la xidho waxa amray Tasfaaye Gabra Kidaan.

Gannat: Adiga laftaadu maxaad isugu deyi wayday inaad baxdo?

Tasfaaye: Mingistu Xayle Maryam waa Nin dadweynaha ku wacad-furay oo ka baxsaday oo naftiisu oo keliya u taliyey ama la baxsaday, taas oo uu ka baxay ballantiisii ahayd inuu wixii dhib ama dheef ah la qaybsanayo dadkiisa, laakiin wuu ka baxay ballantaa. Ta kale waxa uu ahaa nin inta uu dalkiisii iyo dadkiisii karkariyey, ka dibna ka baxsaday, laakiin may ahayn inuu sidaa yeelo, iminkana yidhaahdo hebel baa sidan ah iyo hebel baa sidan ah, kamana hadli karo wax shicibka Itoobiya ku saabsan, ninka hogaamiyaha ahina waa inuu wixii dhacay oo dhan oo dhan intii uu talada hayey masuuliyadeeda qaato. Tusaale waxaynu u soo qaadan karnaa hogaamiyihii Masar Jamaal C/Naasir markii uu la dagaalamayey Israa’iil ee ay ciidamadiisu guul daraysteen wuxuu markiiba dhiibay warqaddii is-casilaadda, wuxuuna yidhi “Ganaaxa aan mudanahay shicibka Masar ha igu qaado, maanta laga bilaabona masuuliyaddii waan iska dhigay”, ka dibna dadweynaha reer Masar banaan balaadhan oo aan hore loo arag ayey kaga jawaabeen is-casilaadda Jamaal C/Naasir, dabadeedna inta ay laamiyada istubeen ayey ku dhawaaqeen “Naasir waanu ku doonaynaa”.
Jamaal C/naasir wixii dhacay inay masuuliyadiisii ahayd iskama indho tiring ee wuu qaatay, laakiin sida Mingistu muu odhan khaladka anigu ma lihi ee waxa janaraal hebel ama janaraal hebel, wasiirkayga difaacaa leh, nabad-sugiddaa leh IWM.

Sida aynu taariikhda ku soo baranay hogaamiyayaashii hore wax kasta oo dhaca masuuliyadda iyagaa qaadan jirey, sharafta madaxtinimaduna sidaas ayey ku jirtaa..

Mingistu markii uu dalka ka baxay cajaladihii uu daadiyey waan dhegaystay, markaa cajalad ka mid ah ayaan ka dhegaystay isaga oo leh “Janaraal hebel sidan ayuu yeelay, hebelna waxanu qabtay”, laakiin ninka masuulka ahi ma aha inuu sidaa u hadlo, waayo isaga ayaa ah hogaamiyaha ummadda nin uu madax u yahay hadii wax saxeexo iyo hadii kaleba koleyba wixii la qabtay iyo wixii dhacay oo dhami isaga ayaa ka masuul ah. Tusaale hadii ay maxkamad noqoto oo lay waydiiyo wixii ay qabteen ciidankaygii nabad-sugiddu waxay noqonaysaa mid uu maamulkaygu fuliyey, sidaa darteed wixii eed ah ee ay yeealato ama loo qabsado masuuliyadeedu aniga weeye, sidaana waxaan ka idhi fagaarihii maxkamadda horteeda, sidaasian waa sidii uu yeeli lahaa nin hogaamiye ahi. Mingistuna inta uu Haraare fadhiistay ayuu leeyahay sidan ayey ahayd iyo sidan ayaa la sameeyey, run ahaantii aad ayaan uag xumahay.

Ganat: Mingistu sidee bay ahayd dabeecadiisu?

Tasfaaye: Dabeecadaha lagu dhaliilayo wuu lahaa weligiiba.

Ganat: Hadii uu sidaa ahaa sidee baad intaas oo sannadood ula shaqaynaysay?

Tasfaaye:  Waxa jirey waxyaalo uu kacaanku soo kordhiyey, waxaanuna aaminsanayn inaanay khasab ahayn inuu ninka hogaamiyaha ahi wax walba dhanka wanaagga u wado, Mingistuna waxa uu ahaa nin isu haystay inuu dadka wax dheer yahay, sidaa darteed wax kasta waxa uu ka eegi jirey dhinaca taban. Tusaale ahaan imisa goobood oo dagaal ayaa lagu baaba’ay markii uu diiday taladii fiicnayd, sidaa darteed wuxuu ahaa nin madax adag, masalan waxa lagu yidhaahdaa “Hadii aanu sidan yeelo ama dib u gurasho samayno berito waxaanu helaynaa awood aanu ku guulaysano sidaa darteed aanu dib u gurasho xeel dagaal samayno xaaladdu way nagu xuntahaye”, laakiin wuxuu wax walba kaga jawaabaa “Ma dhici karto ee ilaa aakhirka waa la isla baaba’ayaa”, taasina waxay keentay in intaas oo goobood lagu baaba’o ama ay intaas oo guuro baaba’aan, tusaale waxaynu u soo qaadan karnaa guutadii saddexaad oo deganayd meesha la yidhaahdo DASE, taas oo halkaa ku dhuf beeshay.

Gannat: Mingistu kartidiisa maamulista ciidanku sidee bay ahayd?

Tasfaaye: Aqoontiisa ciidan-nimo ma aha mid la odhan karo sidan ayey ahayd, waayo mar waxa uu ahaa gaashaanle joogay kaydka hubka ciidamada oo dhan, wuxuuna ahaa nin orod iyo socod badan, laakiin halkan ayuu maray iyo halkan ayuu ka baxay ma ahayn karti ciidamo lagu hogaamin karo.

Gannat: Idinka oo taa garanaya maxaad 17 sannadood ula soo dhaqmayseen?

Tasfaaye: La soo dhaqankayagu waxa uu ahaa mid ku salaysan maalin-ba maalinta ka dambaysa ayuu ka soo rayn doonaa, ta kale waxaanu ka baqaynay inuu mid ka sii darani meesha yimaado.

Ganat: Hadii aad dhaqanka Mingistu sidaa uga xumayd maxaad u fashilisay inqilaabkii lagu ridayey?

Tasfaaye: Horta cidiba wax igama waydiin, laakiin marka la eego xaaladdu sidii ay ahayd xataa hadii ay ku guulaystaan inay Mingistu ridaan waxaan aaminsanahay inaanay wax dhaama keeneen ama ay ka sii dari lahaayeen, waayo waqtigaa waxa jirey goobo badan oo dalka ka mid ah oo uu cadawgu haystay, xaaladda ciidamaduna halis bay ku sugnayd, iyaguna waxay qaateen mawqif xaraj ah, sidaa darteed isbedelkoodu ma ahayn mid wanaag keeni karaya.

Ganat: ka dib markii uu inqilaabku fashilmay wixii Adis-ababa ka dhacay waad iiga sheekaysay, dhinaca Asmarana kuwii damcay inay wax isku dayaan wixii foosha xumaa ee ku dhacay waa la garanayaa, markaa adigu miyaad garanaysaa sidii loo dilay Janaraal Damise, tusaale ahaan Mingistu Xayle Maryam wuxuu yidhi “Markii aanu maqalay dilkan foosha xun ee la geysanayo ayuu Tasfaaye Walda Salaase igu yidhi ha dhex gelin mar hadii ay dhacday”, markaa maxaad sidaa u tidhi?

Tasfaaye: Taasi haba yaraatee waa been oo waxba kama jiraan…

La soco cadadka dambe

 

 

Baaxaa-deggi Jacaylka: Billan iyo Baxnaan

Q: 11aad

Sahra Luuf oo ay jaar yihin reer Baxnaan Baashe, waxay filaysay in habeenkii ay reerka la jaarka ah uu Baxnaan soo kaxeystay Rakaabkisa fanka in uu buuq ka aloosmi doono oo ay maqli doonto buuq iyo qaylo isla oogsada. Arrintuse umay dhicin sidii ay dhegta u taageysay Sahra Luuf, buuq iska daayoo buus kamay maqal, iyagoo is leh Billan iyo Baxnaan, maalinnimadii dambe ayay barqadii Sahra Luuf u soo wareegtay Billan, waxaanay ku bilowday hadal ay ku dhaliilayso Billan oo ay leedahay; “Naa maxaad naagaha ugu boodi wayday gurigaaga kuugu soo galay, inanta maxaa dhiigga ka nuugay.” Billan iyadoon is lurin ayay tidhi; “Soo fadhiiso Sahra, arrintu sidaa ay adiga kuula muuqato aniga ilama aha.”

Billan waxay soo qaadatay murti Af Soomaali ah, waxaanay tidhi; “Waxaan kuu sheegayaa in ay jiraan arrimo ragga ku ammaana, laakiin haweenka ku dhaliilla, waxaad igula talinaysaa dagaal, waxaase hore loo yidhi; geesinimadu ragga waa u door. Dhinaca haweenka uma aha marka la eego bulshada dhexdeeda naag dhiiran oo maalin walba ay dad is haystaan ama faraha ay isula tagaan ma aha ammaan, af-tahanimadu ragga waa ku ammaan. Dhinaca kale dhaqankeena ma haboona haweenay dhawaaqeeda aad looga maqlo surimada. Deeqsinimadu ragga waa u ammaan, laakiin deeqsinimadu ma aha mid lagu ammaano dhinaca qoyskeena haweenka, waayo haweenaydu waa in ay xafidaa amaanada ay reerka u hayso ee uu ka masuulka yahay ninku.”

Sahra Luuf, waxay ka soo hadhay dhaygag, waxaa laba isu iman waayay ku noqday dhiirgelinta ay waday iyo hoga-tusaalaynta ay u soo bandhigtay Billan, waxaanay dareentay Sahra Luuf in aanay Billan ahayn seef-la-bood xaga biyo-diidka dhaqanka ninka ee inta badan ka dhaca qoysaska ee loo yaqaan Hinaasaha, Sahra sidi ay u kala tageen Cilmi Xagar oo ay u dhashay saddexda carruura ee ay haysato, wax wanaagsan kama sheegto ragga, waxaana hadalkeeda u badan in raggu yihin balan-laawayaal, qayru-masuula oo ku tacadiyaan haweenka daacadda u ah nolosha. Sahri kamay hadhin mowqifkeedii ay ugu soo wareegtay Billan ee ahayd in ay ku dhiiriso in Billan ay ka hadasho xad-gudubka dhaqan ee kaga yimi dhinaca Billan ninkeeda ee khuseeya Billan, waxaanay Sahra Luuf tidhi; “Waxaa la yidhi, Doqonta usha agteeda ku dhufo, hadday diiri weydana goga u geli, markaa Billanay adigoon weli curan hadii uu maanta Baxnaan naago guriga kuugu keenay, maxaad filaysaa markaad dhowr dhashana.”

Billan ereyadan kaga yimi Sahra Luuf, waxay laga maarmaan ka dhigeen in ay u soo bandhigto Sahra in aan arrinta ka dhaxaysa Billan iyo Baxnaan ahayn mid fudud oo ay si fudud ugu dhiiran karto Billan in ay Baxnaan kula dhiirato canaan iyo khilaaf keeni kara burburka qoys ahaantooda, waxayna tidhi Billan; “Baxnaan waan ku kalsoonay, wixii doonaa ha dhacaane, Baxnaan waxaanu wada marnay jid waa nin aan naftaydii ku aaminay, arrintan ad sheegayso iyo arrimo kaleba hadii ay igaga yimaadaan waan u dulqaadan karaa, waayo waxaa ka weyn waxa naga dhexeeya.”

Ereyadan dambe, ayaa u quus-gooyay Sahra Luuf oo nabadeey ku soo gebo-gabaysay sheekadi dhexmartay iyada iyo Billan.

Baxnaan wixii ka dambeeyay Su’aalihii ay waydiisay Billan ee habeenimadii ku xigtay habeenkii ay gurigiisa u soo hoyden Axmed Bayteri iyo labada hablood, waxaa ku kordhay werwer uu ka cabsi qabay in ay sumcad-xumo kaga soo fool leedahay dareenkan ay Billan dareentay balwada cusub ee uu bilaabay Baxnaan, sii socodka arrinta dhextaalay Qoyska reer Baxnaan, waxaa hakiyay Baxnaan oo ka mid noqdaykoox fanaaniina oo ka qayb-galaysa kulan ballaadhan oo lagu soo bandhigayo Suugaanta iyo Ciyaarta Hidaha iyo Dhaqanka ee Afrika oo ka dhacaya magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya. Billan may jeclaysan safarka Baxnaan ee sida degdegga ah u soo guda-galay oo uu maqnaan doono muddo bil ah, waxaanay subixii dambe soo maray gaadhigii qaadayay.

Baxnaan, isagoo garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka raaci doona diyaarad ay milaterigu leeyihin oo loo yaqaanay Shabeelay, waxaanu diyaarad kale u raaci doona Nayroobi, waa marki ugu horeysay ee uu Baxnaan diyaarad raaco, waana markii ugu horeysay ee uu tago dal iyo deegaan ka baxsan dhulki uu xoolaha ku raaci jiray iyo magaaladii uu u soo safri jiray ee Hargeysa oo uu ku noolyahay. Billan kumay filaan sheekadii, sii balamadii iyo xiiso sheekaysigi habeenimadii ka horeysay aroorta uu Baxnaan amba-baxayo, waxaanay cidhiidhsatay gaadhigii geynayay Madaarka Hargeysa. Tiro dhawr jeer ayay gooni isku noqdeen Billan iyo Baxnaan intii ay dadkii uu ka midka ahaa Baxnaan aanay fuulin diyaaradda. Salaan gacan-haadis ah iyo indho jacayl oo ay qumaati isu eegaya ayaa ahayd is-nabadgelyeyntii uu dambeysay ee Billan iyo Baxnaan. Billan waxay Madaarka Hargeysa ku sugnayd ilaa intii ay duulaysay diyaaradi uu raacay Baxnaan, iyadoo dhegaha ka qabsatay guux ay maqasho kii ugu xooga weynaa oo ahaa ka diyaaradii kacaysay ee Baxnaan raacay.

Billan waxay gashay maalmo qalo leh oo uu ka maqan yahay Baxnaan. Maalmahan way ka niyad xuntahay xataa habeenkii uu haweenka ugu keenay guriga Billan, waxaanay laabteedu habeenkaa dugsanaysay muuqaal Baxnaan haba la joogo cid kalee, haddase waxay nafteedu tabeysaa inuu fogaaday wehel Billan wadnaheeda ku waraabiya niyad wanaaga nafteeda marka ay isu muuqdaan. Billan waxay wax ku kordheen marka ay jaleecdo halkii uu guriga ka fadhiisan jiray Baxnaan iyo halkii uu ka seexan jirayba.

La soco………

 

Shicibka Iyo Dawladuba Meel Ha Looga Soo Wada-Jeesto Dadka Caadaystay In Ay Diinta Iyo Illaahii Samaystay Caayaan

Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, waxaa ku badan dad caadaystay in ay af-lagaadeeyaan Illaahi samaystay iyo diintii ay ku dhasheen. Markaa waxaan shacbi weynaha Somaliland iyo dawladda-ba u soo jeedin lahaa in tallaabo laga qaado dadkaa, loona sameeyo ilaa 6 Jeel oo waaweyn laguna xidho, waxaanay iila muuqataa in marka hore la sameeyo Wacyi-gelin, iyadoo la adeegsanayo gawaadhida Warbaahinta leh, laguna soo wareegayo magaalo kasta, kadibna wixii ku kacaa falkaa tallaabo laga qaado.

Allaa mahad leh

Maxamed Maxamuud Ducaale, Hargeysa

 

Slvain Wilford oo Wacdaro Ku Dhigay Difaaca Kooxaha Toddobaadadii Tegay

By World Soccer Magazine

T

an iyo intii uu u soo wareegay Ciyaaryahanka Sylvain Wiltord kooxda Arsenal laba sannadood ka hor oo uu ka yimi kooxda Bordeaux, isagoo ku yimid Arsenal heshiis qiimahiisu ahaa 13 milyan oo Gini.

Toddobaadadii tegay, wuxuu Wiltord la soo baxay farsamo-ciyaareed uu wacdaro ku dhigay difaaca kooxaha ay ciyaaraha ku kulmaan kooxdiisa Arsenal, waxaanu soo bandhigay weeraro kubadeed oo kasii diiran kuwii lagu yaqaanay Dennis Bergkamp, Robert Pires iyo Thiery Henry, waxaanu u muuqday Wiltord inuu yahay ciyaartoyga muuqda ee ugu sita ciyaarta xilli-ciyaareedkan 2002-2003. Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger oo ka hadlay ciyaarta Wiltord, waxa uu yidhi; “Sylvain Wiltord, waa ciyaartoy si wanaagsan u ciyaara oo mararka qaar si qayru-caadiya loo jaleeco ciyaartiisa. Ilaa hadda qof waloo naga midi waanu u wada riyaaqnay, siduu u ciyaaray, wuxuu dhaliyay goolal, kuwa kalena wuu soo dhisay. Si xoogan ayuu u dedaallaa, wuxuu qaataa qaab wanaagsan oo ciyaarta kooxdayada ah, waxaanay ila tahay aniga inuu kaalin ka si heer sareysa u qaadan doono ciyaarta kooxdayada mustaqbalka.”

Qaab-ciyaareedkan Sylvain Wiltord, wuxuu fure u ahaa guulihii ay gaadhay kooxdii hore ee uu u ciyaari jiray ee Bordeaux, gaar ahaan ciyaarihii 1998-99, markaas oo 22 gool uu kooxdaas u dhaliyay Wiltord ay noqdeen saldhigii guushii ay gaadhay kooxda Bordeaux tartankaas.

Wiltord marka laga eego dhinaca ciyaaraha Caalamiga ah ee uu u saftay dalkiisa Faransiiska aanu ugu muujin kartidiisa ciyaareed halkeeda ugu saraysa ciyaaraha Koobka Adduun, sidaas oo uu sheegay Maamulaha kooxda kubadda cagta ee Qaranka Faransiiska Roger Lemerre. Ciyaarihii ugu dambeeyay ee uu u saftay dalkiisa, wuxuu tababaraha cusub ee Xulka Faransiisku Jacques Santini ka ciyaarsiiyay Wiltord ciyaartii ka dhacday Qubrus (Cyprus) inuu duuliye ka noqdo baalka bidix ee ciyaarta kooxdiisa, si uu kubada gudban ugu caawiyo dhaliyaha kooxdaas Djibriil Ciisa, waxaase layaab noqotay ciyaartaa markii uu ka ciyaaray khadka dhexe ee uu laad xoog badan la beegsaday goolka kooxda ka soo horjeeday kana dhaliyay gool. Ciyaartaas oo Faransiisku 2-1 ku guulaystay is-reeb-reebka koobka Euro 2004. Tababaraha Xulka Faransiiska, Santini ayaa yidhi: “Wuxuu ahaa gool qiime weyn leh oo uu keenay Sylvain Wiltord.”

 

Lazio Oo 4-0 ku Hafisay  Modena

M

ilan (Reuters) Kooxda Lazio ayaa iska barbar martay cidhiidhi dhaqaale oo haystay beryahan dambe waxaanay kor ugu siqday kaalinta 3aad ee tartanka kala horeynta horyaalka kooxaha Serie A ee Talyaaniga ka dib markii ay shalay 4-0 ku hafisay  ciyaar ay la yeelatay Kooxda Modena oo dhacday shalay. Bernardo Corradi ayaa laba gool oo ka mid ah goolalka ay guushu ku raacday Kooxda Lazio  dhaliyay. Dhinaca kale tartanka kooxaha  Serie A ee talyaaniga waxa iyada ay rajadeedii hoos u soo noqotay Kooxda Roma  Kooxda  Roma ka dib markii ay shalay la kulantay guul darro   ciyaartii dhexmartay iyaga iyo Kooxda Parma oo 3-0  ay Parma guushu ku raacday, taasoo keentay in  sagaal dhibcood oo faraq ahi u dhaxeeyo Kooxda Ac-Milan  oo hogaaminaysa kala horeynta kooxaha waaweyn ee Talyaaniga (Serie A). 3-da gool ee ay Kooxda Parma ku badisay laba gool oo ka mid ah waxa ciyaartaa u dhaliyay Emilkno Banazzoli, oo weerarka uga ciyaara Parma gool kalena wuxuu u saxeexay Parma. Sida la sheegay duruufo dhaqaale oo haysta Lazio  awgeed waxa uu u dhigay gudoomiyeheedu in la xaraasho naadiga Lazio, laakiin hadda waxba arrintaas kama muuqdaan ka dib markii ay kooxdu tobankii ciyaarood ee u dambeeyay aanay la kulmin wax guul darro ah taasoo aanay muuqan inuu soconayo xaraashkaas uu soo bandhigay Sergio Cragnotti  oo maamula Lazio. Lazio waxay hadda leedahay 24 dhibcood waxaanay dhibic ka hoosaysaa dhibic Kooxda Inter oo iyadu dib ugu dhacday tartanka Serie A-da ee Talyaaniga.

Ciyaarta dhexmartay Parma iyo As-Roma waxaa daqiiqadii 11aad ay Kooxda Parmi hormartay markii uu goolkii u horeeyay u dhaliyay Banazzoli.  Daqiiqadii 17aad uu haddana gool kale uu isagu madaxa ugu dhaliyay kooxdiisa Parma.