Siiradii Nebi Muxamed (CSW)

 

Markii ay dhammaatay muddadii saddexda beri ahayd oo ay ugu talo galeen inay godka ku jiraan ayaa Cabdullaahi binu Ureyq keenay labadii neef oo geela ahaa oo ay ku bixi lahaayeen. Abuubakar ayaa Rasuulka SCW siiyey labada neef kii wanaagsanaa, markaasaa Rasuulku yidhi "qiimihiisa ayaan kuu celinayaa oo aan ku qaadanayaa", Abuubakarna arrintaas wuu diiday, hase ahaatee Rasuulku SCW wuxuu ku adkaystay go'aankiisa isagoo laga yaabo inuu rabay kheyrkaas iyo ajarkaas hijrada inuu ku maro wax uu leeyahay. Asmaa' bintu Abuubakar waxay iyaduna keentay jiscinkii waddada lagu mari lahaa hase yeeshee waxay soo illowday xadhiggii lagu rari lahaa alaabta markaasay boqonkeedii dhexda ugu xidhnaa laba u kala jeexday oo midna siisay midna la hadhay. Sidaa dardeed Asmaa' waxaa lagu naaneysi jirey laba boqonley.

Dabadeed Rasuulka SCW iyo Abuubakar way baxeen iyadoo uu la socdo Cabdullaahi ibnu Ureyq oo ahaa ninkii labada neef oo geela haa keenay, ahaana nin dhulyaqaan ah, safarkana hogaaminayey, wuxuuna awrka la fangashanaa (lasaarnaa) Abuubakar. Wuxuu ka bixiyey meel aan la marin oo dhinacii koonfureed ah, ka dibna hoos iyo dhinaca bari oo badda ah ayey mareen. Abuubakar maaddaama uu ahaa nin aad loo yaqaan oo ummad badani garanaysey markii la weydiiyo oo lagu yidhaahdo "waa kuma ninkan kula socda?" wuxuu ku jawaabayey "waddaduu igu hanuuninayaa" isagoo ula jeedda waddada xaqa ah ayuu igu hanuuninayaa.

Nimankii reer Makka markay meel walba ka raadiyeen Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo ay 3 maalmood baadi goob iyo orod ku jireen oo ay ka quusteen ayey waxay bixiyeen ogeysiis ay u direen beled iyo baadiyaba oo ay ku leeyihiin "ninkii Maxammed ama saaxiibkii Abuubakar midkood nolol ama geeri ku keena wuxuu leeyahay boqol halaad". Reer baadiyihii oo ahaa dad aad u xoolo jecel waxaa galay hunguri iyagoo u hanqal taagaya geelaas tirada badan, nin walbana dhinaciisa ayuu u orday. Muddo saddex maalmood ah markay Rasuulka SCW iyo Abuubakar sii socdeen ayaa ninka la yidhaahdo Sureyqa binu Maalik isagoo rag la fadhiya waxaa u yimid nin markaasaa ninkii la weydiiyey oo lagu yidhi "ma aragtay nimankaas", markaasuu ninkii ku jawaabay "wax ma arag laakiin meel halkaas ah waxaa iiga muuqanayey bidhaan dhowr qof oo wax saaran ah". Sureyqa markuu hadalkaas maqlay dhareerkii ayaa ka daatay isagoo rajaynaya in ay boqolkii halaad u soo gacan galeen, wuuna fahmay in ay raggaas la tilmaamayo yihiin Rasuulka SCW iyo Abuubakar. Sidaa darteed wuxuu sameeyey khiddaad uu ku rabo in raggaa meesha fadhiya ayna arrinta fahmin si ayna geela ula qaybsan, wuxuuna yidhi "war aamus waxaad aragtay waa nimankii reer hebel oo geelu ka baxsaday oo halkaa marayaye'. Halkaas arrintii looga aamusay oo waxaa loo qaatay in Sureyqa arrintiisu dhab tahay.

Sureyqa markii muddo meeshii la fadhiyey oo arrintii la hilmaamay ayuu wuxuu yidhi "intaan kacay oo guriga galay ayaan gabar la hadlay oo ku idhi "faraskeyga gadaal iiga bixi oo buurtaa gadaasheeda ii gee", aniguna intaan labistay oo hubkeygii qaatay baan dhuumasho ahaan faraskii ugu tegey, dabadeedna waxaan ka daba tegey Rasuulka iyo Raggii la socday. Markaan u dhowahay ayaan qori tuurtay, markaasaa waxaa iii soo baxay kii aan nebcaa oo ah inaanan wanaag ka helayn (oo aan ku khasaarayo), aniguse kama yeelin arrintaa oo hore ayaan u sii socday. Markaan ku dhawaaday ayuu faraskii cagaha dhulka si fiican ula galay, qaacna ka baxay meeshii, markaasaa waxaa ii caddaatay in Maxammed aanan waxba gaadhsiin karin uuna guuleysan doono sidaa darteed intaan qeyliyey ayaan ku idhi 'ammaan ayaad iga helaysaan waana idin nabad gelinayaa ee Maxammedow ii qor warqad amaan ah si haddii aad berri wax qabsato oo aad guuleysato aan u heysto'. Rasuulku SCW wuxuu amray Caamir ibnu Fuhayr in uu waraaqadda u qoro. Suraaqa ayaa markaa hadlay oo ku yidhi Rasuulka SCW "maxaad iiga baahan tihiin cunto iyo wax walba wan hayaaye', markaas ayaa lagu yidhi "waxba kaagama baahnin ee wixii aad aragto naga jeedi" "waa yahay' ayuu isna ku jawaabay, dabadeedna markuu laabtay cidduu arko wuxuu ku oranayey "dhinacaa anigaa soo maray oo cidi adinkama jirto".

Rasuulku SCW iyo raggii la socday waxay gaadheen Quba oo xoogaa ka baxsan Madiina. Waqtigaasi wuxuu ahaa maalin Isniin ah 8dii Rabbiicul-awal sannadkii 1aad ee hijriga.

Dadkii muslimiinta ahaa ee Madiina joogey oo isugu jirey muhaajiriintii Makka ka timid iyo Ansaartii degganeyd Madiina markay maqleen in Rasuulku SCW ka soo baxay Makka ayey heegaan galeen oo maalin walba waxay tegi jireen duleedka Madiina iyagoo eegaya wax soo socda. Sidey sidaa u ahaayeen ayey maalinkii dambe iyagoo sidii u sugaya markay qorraxdii ku kululaatay meeshii ka tageen, markii ay tageen ayaa waxaa Rasuulka SCW arkay nin yahuudi ah markaasuu aad u dhawaaqay oo yidhi "waxaad jecleydeen oo aad suggeyseen ayaa yimid". Muslimiintii ayaa soo firxaday iyagoo hubkoodii wata oo takbiirsanaya Rasuuulkana SCW soo dhoweynaya. Dabadeedna hareeraha ayey ka galeen. Rasuulka SCW wuxuu ku degey reer bini Camar bini Cawf Xaafadooda, gaar ahaan wuxuu ku sii degay ninka lay yidhaahdo Kaltuum ibnu Hadiyi. Dad badan oo muslimiinta reer Madiina ka mid ahaa ma ayna kala garaneyn Rasuulka SCW iyo Abuubakar hase yeeshee markii dambe ayey ogaadeen. Ka dib Rasuulku SCW wuu fadhiistay, Abuubakar wuu istaagey isagoo dadkii soo dhoweynaya. Intii Rasuulku SCW meesha joogey waxaa Makka ka yimid Cali binu Abii-dhaalib oo soo dhameeyey hawshii uu Rasuulku SCW u xilsaaray iyo ammaannadii uu uga soo tegey.

Rasuulku SCW wuxu Quba joogey dhowr maalmood, wuxuuna ka dhisay masaajidka la yidhaahdo Masjidu Quba. Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW ka tegey Quba maalin jimce ah oo uu Madiina tegay isagoo ay muslimiintii dhinacyada ka socdaan. Markaas. Markuu sii maro qabiil walba oo Ansaar ka mid ahna waxay lahaayeen "annaga nagu soo deg" laakiin Rasuulku SCW wuxuu lahaa 'hashaani way amran tahay meeshii ay fadhiisato ayaan ku degayaa". Waxay ugu dambayntii hashii fadhiisatay oo uu ku degay meesha masaajidkiisa uu ka dhisay oo ay degganaayeen reer bini Cabdinajaar oo Ansaar ka mid ahaa, Nabiga aabbihiina reer abti u ahaa. Gaar ahaan wuxuu ku sii degay guriga ninka la yidhaahdo Abaa Ayuub Al-ansaari.

Waxaa iyaguna woo hijrooday oo waqtigaas Madiina yimid xaaskii Rasuulka SCW Sawda bintu Samca iyo laba gabdhood oo uu dhalay oo kala ahaa Faadumo iyo Ummu Kaltuum, waxaa kale oo la socday Usaama binu Seyd iyo hooyadiis Ummu Ayman iyo qoyskii reer Abuubakar oo ay Caa'isha ku jirtey.

Caa'isha waxay tidhi "markii aan Madiina imid ayaa waxaan ugu imid aabbahay iyo Bilaal oo qandhadii Madiina ku dhacday markaasaan Abuubakar ku idhi 'aabbe sidee tahay' isagoo xoogaa qandhadu deysey oo leh "qof walba wuxuu ku dhex waabariisanayaa ehelkiisa isagoo ay geeridu uga dhowdahay kabihiisa suunkooda'. Bilaal ayaan isna ku idhi "sidee tahay Bilaal" isagoo isna tirinaya beyt yar oo tilmaamaya u hiloobidda iyo jaceylka Makka. Rasuulka ayaan u tegey oo u sheegay hadalladoodii, markaasuu Rasuulku SCW yidhi "Ilaahow Madiina na jecleysii sidaad Makka noo jecleysiisey ama si ka daran , Ilaahow Madiina caafimaadi oo barakee saaceeda iyo mudkeeda, kana rar xanuunka iyo qandhada oo u rar Juxfa". Ilaahay ducadaa Rasuulka SCW wuu ka aqbalay waxayna Madiina noqotay Meel ay aad u jecel yihiin, saxadeeduna fiican tahay.

Sidoo kale Rasuulku SCW isagoo asxaabtiisa ku samir siinaya daltabyada Madiina waxa uu yidhi: "Qofkii ummaddayda kamid ah oo ku sabra Cudurka iyo dhibka Madiino waxa aan maalinka qiyaamaha u noqonayaa shafiic iyo markhaati".

Sidoo kale Rasuulku SCW isagoo Madiina u ducaynaya waxa u yidhi: "Allahayow noo barakee magaaladayadan, miraheeda, mudkeeda, iyo saaceeda, barako ay lasocoto, Allahayow Ibraahiim waxa uu ahaa addoonkaagii , Nabigaagii iyo khaliiilkaagii, anna waxaan ahay addoonkaagii iyo nabigaagii, wuxuuna (ibraahiim) kuu baryo weydiiyey Makka, anna waxaan kuu baryayaa Madiina siduu Makka kuugu baryo weydiyey iyo si la mid ah.

Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii waxay heleen dhul cusub oo ay diintoodii iyo dacwadoodii ka faafin karaan, joogitaankiisana ay xor u yihiin. Magaalada Madiina waxay noqotay magaalo islaam, in kastoo dadkii deggenaa ayna wada ahayn muslimiin, waxayna ka koobnaayeen 3 qaybood oo kala ahaa:

1) Muslimiinta oo isugu jirey muhaajiriin Makka ka yimid iyo Ansaar oo Madiina degganayd oo laba qabiil ka koobnaa lana kala oran jirey Awas iyo Khasraj, hase yeeshee Rasuulku SCW uu u bixiyey Ansaar.

2) Mushirikiintii ka hadhay Ansaar

3) Yahuud oo ka koobnayd saddex qabiil oo la kala oran jirey Banuu Qeynuqaac, banuu Nadiir iyo banuu Qureyda.

 

Dildilaacii Ubaxa iyo Kacaankii Dhergiga

Tasfaaye isaga oo ka waramaya jawigii ay wada hadaladu u dhaceen waxa uu yidhi “Waxa jirey nin dhakhtar ah oo oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha jabhadda Ereteriya, ninkaasi waxa uu waxbarasho u tegay dalka Suudaan, ka dibna halkaas ayuu kaga biiray jabhadda, markaa ninkaas oo qudha ayaan afka Xabashiga aqoon, sidaa darteed labadayada dhinac waxaanu ku wada hadlaynay AF-Xabashi si wanaagsana wanu isu fahmaynay, inkasta oo aanu markii hore waxoogaa kala qaloonay, hadana markii dambe waanu isku soo dadownay, waxaanuna isu fidinay casuumado.

Ka dib markii ay sheekadu soo shaac baxday, isla markaana ay meel wanaawsan marayso ayuun baa markii dambe qoonsimaad weyni ka yimi dhanka Ereteriyiinta, sidaa darteed kulan aanu yeelanay ayey dood kulul ka soo jeediyeen, waxaana hadaladooda ka mid ahaa “Anagu ciidankayaga iyo dadkayaga waxaanu u sheegnay inay wada hadalo noo socdaan dawladda Itoobiya, waqti dhowna nabad la heli doono, wada hadalka dhinacayaguna meel sare ayuu gaadhay, laakiin idinku waad ka qariseen shacbigiina iyo ciidankiinaba, waayo maxaad uga qariseen, anagu waxaanu dadkayaga iyo ciidankayaga u sheegnay in dhibaatadii ka dhex-taagnayd gobanimo-doonka Ereteriya iyo dawladda Itoobiya laga shaqaynayo sidii xal loogu heli lahaana, taas oo qoraaladeedana dunida u baahinay, isla markaana arinta waanu ku war-gelinay oo way la socdaan halka wax marayaan, waxayna intaa na leeyihiin dedaalkii waan-waanta nabaddu halkee buu marayaa. laakiin idinku kuwii idin caawinayey waxba umaydin sheegin, welina waxaad leedihiin caawimo keena, waa inaad qoraalada heshiiska soo diyaarisaan oo aad faafisaan”ayey yidhaahdeen, waxayna ku adkaysteen oo ay nagu cel-celiyeen inaanu arinta ka badheedhno oo baahino, dabadeedna waxaanu ku nidhi “Iminka go’aan idinma siin karno, laakiin ballanta dambe ayaanu jawaabteeda soo qaadi doonaa”, ka dibna waanu kala tagnay oo dib ayaanu ugu laabanay Itoobiya, dabadeedna gudoomiyaha (Mingistu) ayaanu u sheegnay arintu halka ay marayso, waxaanuna ku nidhi “Nimanka waxa ay na waydiiyeen wax dhibaato noo geysanaya ma aha, wayo waxay yidhaahdeen qoraalka iyo halka ay arimuhu marayaan baahiya oo daboolka ka qaada, markaa waa inaynu sidaa yeelna, adiguna (Mingistu) markaa aad golayaasha ka hadlayso hadii aad dedaalkan nabadeed ee aanu wadno si guud mar ah u xusto way wanaagsanaan lahayd, garabna way na siinaysaa”, dabadeedna inta uu yidhi bal aan waxoogaa ka fekero ayuu markii dambe nagu yidhi “Hayaay maxaa la hayaa ee qoraalka lagu bixinayaa, waayo marka hore arintan hadii ay dadweynaha iyo ciidanka labaduba maqlaan way ka cadhoonayaan, markaa yaa doonaya inuu qoorta dhigto ama naftiisa huraya, waa maxay arinta noocan ah ee aad soo gaadheen, taasi ma aha arin sax ah oo aynu qaadan karno”ayuu si kulul u yidhi ka dibna wuu iska fadhiistay, runtii taasi waxay nagu noqotay xaalad cakiran oo aanu ka dul-qaadin karin qofka meeshayda oo kale oo jooga, laakiin waan iska dul-qaatay.

Eretriyiintu waxay dhinacooda leeyihiin “Dawladda Itoobiya ma jiro wax ay noogu talo gashay, waayahay garanay aynu heshiino, laakiin maxaa qorshe ah oo aanu shicibkayaga ula tegaynaa, waayo arintu xagayaga ma hawl-yara maxaa yeelay dad badan ayaa naftooda ku waayey dagaalka gobanimo-doonka, dhiigii geesiyayaashayada ayaa qul-qulay, maxaanu arimahaa kaga jawaabaynaa, markaa inta aad xaaladda iyo arimaha meesha yaal eegtaan sida ay tahay uga jawaaba, hadii kale oo aanu arinta aanu codsanay jawaabteeda wayno waxay taasi cadaynaysaa inaanu Dhergiga ka go’nayn inay waan-waantu sii socoto, idinkuna (Ergada Itoobiya) waxaanu u aragnaa inaad noogu soo noqnoqnaysaan inaad warar naga urursataan iyo inaad xogtayada waxa aanu damacsanahay ogaataan oo qudha, laakiin iminka laga bilaabo kuwo waal-waallan baa idiin iman doona, waxna inooma xidhna, anaguna hadii ay arintu gaadhayso heer aad talaaba milateri nagu baabi’isaan oo aanu dhamaantayo sidaa ku baaba’ayno nagama suurtoodo inaanu albaabada guryihiina oo aanu idinka barino nabad baanu doonaynaa, ballantii aynu lahayna waanu ka baxnay ee nabadgelyo”ayey yidhaahdeen, ka dibna waanu kala dhaqaaqnay.

Run ahaantii guul-daradaa aad iyo aad baan uga xumaaday, dhamaantayona ragayagii hawshaa ku jirey waxaanu kala kulanay daal iyo rafaad badan, laakiin markii  anaga oo meel wanaagsan marinayna ay naga burburtay aad iyo aad baanu uga xumaanay, waxaana nagu dhacay niyad-jab weyn.

Gannat:  Dhinac kale hadii aynu eegno dadkii ay tafiirtoodu ahayd Israa’iiliyiinta ee Itoobiya deganaa, laakiin ka guuray ee Israa’iil tegay, waxa la yidhi hawl-galkaa waxa fuliyey sirdoonka Iraa’iil, arintaa maxaad ka sheegi kartaa oo aad war ka hasyaa?

Tasfaaye:  Hawl-galkaa dadkaa lagu raray waxa uu ahaa mid ay ka wada hadleen wasiirada arimaha debedda iyo hogaamiyayaasha sarsare ee labada dhinac (Itoobiya iyo Israa’iil). Ninka la yidhaahdo Kaassa Kabadhe ayaa arintaa ak shaqeeyey oo laba ilaa saddex goor Israa’iil loo diray si uu arintaa uga soo shaqeeyo, dabadeedna ninkaas oo arinta masuuliyadeeda qaatay ayaa sirdoonka Israa’iil (Mossad) iyo Mingistu Xayle Maryam xidhiidhiyey oo sidaa arinta ku dhameeyey.

Dadkaa markii la rarayey ka hro intii aan raristooda la bilaabin inta gobolka GONDAR laga soo qaaday ayaa la soo dejiyey xaafad Adis-ababa ku taal, halkaas oo Teendhooyin looga sameeyey.

Xubnihii guddiga ahaa ee arintaa ka shaqaynayey waxa ka mid ahaa Tasfaaye Dinqa, Kaasa Kabadhe, Kornayl Maarsha Qasaala iyo rag kale, laakiin arinta aniga iga dhaadhici wayday waxay ahayd markii la yidhi waxa la gaadhay heshiis lacageed, waxaana u malaynayaa in lagu heshiiyey inay Israa’iil lacagtaa bixiso Itoobiyana dadka FALAASHAHA u soo rarto Israa’iil, dabadeedna markii uu heshiiskaasi dhamaytirmay dadkii waa la raray, waxaana raritaankoodu lagu dhamaystiray habeen iyo maalin qudha, ka dibna lacagtii ay Israa’iil bixinaysay markiiba waxa la dhigay Bangi Itoobiya leedahay oo NEW-YORK ku yaal.

Ganat:  Arintaasi intee bay ka horaysay soo gelidii Yahaadhiga?

Tasfaaye: Waxay ahayd afar ilaa shan bilood ka hor qiyaastii, arintuna waxay ahayd mid lacag dad lagu bedelanayo, waxayna dhalisay diidmo weyn, laakiin aniga nimanka I necebi wax aan jirin ayey iga sheegeen, waxayna yidhaahdeen “Tasfaaye Walde Salaase dawladda cusub intuu la heshiiyey ayuu dadkii iibiyey”, ka dibna waxay daadiyeen waraaqo ay sidaa ku qoreen, laakiinn xaqiiqda arintaa hadii la doonayo in la ogaado hala waydiiyo Kaasa Kabadhe iyo Tasfaaye Danqaa, waayo iyaga ayaa qaatay lacagta dadkaa lagu bedeshay.

Ganat: Israa’iiliyiintu waxay yidhaahdeen lacagta waxaanu idin siinaynaa marka aad dadka noo keentaan ka dib, markaa lacagtaa miyaa la bixiyey?

Tasfaaye: Haa lacagta waa la bixiyey, waayo ninkii aan dhinaca nabad-sugidda arintaa u wakiishay oo ahaa Kornayl Maarsha waxa uu ii sheegay in lacagtaa la bixiyey.

Ganat: Markaa ma suuq madow bay ku bixiyeen lacagtaa?

Tasfaaye: Lacagta Tafaaye Dinqa iyo Kaasa Kabadhe may qaadin ee waxa lagu shubay Bangi Itoobiya ku leedahay Newyork, waxayna labadaa nin qoraal ay lacagtaa ka soo saareen ku xuseen xataa Akoon nambarka lacagta lagu shubay.

Ganat: Waxa jirey hawl-gal kaa ka horeeyey oo ay dadka kuwaas oo kale ahi Israa’iil ugu guureen, kaana ma lacagtan oo kale ayaa la bixiyey?

Tasfaaye:  Maya jirto lacag kaa laga bixiyey, waayo waxa uu ahaa wax tuugo ah, dadkaasina markii u horaysay ee ay dalka ka baxayeen waxay lug ku mareen dhinaca gobolka GONDAR, waxayna lugtaa ku galeen dalka Suudaan, ka dibna mucaaradka ayaa gacan siiyey oo dhoofiyey, sababta awgeedna sarkaal nabad-sugidda suudaan ah oo la odhan jirey Janaraal Cumar ayaa derejadii lagaga qaaday, dhinacayagana inay mucaaradku gacan siiyeen oo ay dhoofeen waa la ogaa, sheekadeeduna intaas aan kuu sheegay ayey ahayd…

La soco Cadadka dambe…

 

Baro Xuquuqdaada

 

6.2. Qodobka  38aad

Waraaqaha Cod-Bixinta

 

Waraaqaha cod-bixinta waa inay ku daabacan yihiin astaamaha ururada/xisbiyada oo kor u taagan si afar gees ah. Astaan kastaa waa inay leedahay meel banana oo loogu talagalay inuu cod-bixiyuhu ku muujiyo codkiisa. Waraaq kastaana waa inay leedahay cidhifyar oo xabagaysan oo lagu rogo warqadda cod-bixinta oo lagu lingaxo.

 

6.3. Qodobka 39aad

Goobta Cod-Bixinta

 

1.       Goob kasta oo cod-bixinta laga dhiibanayaa waa inay lahato laba qol oo Jar Jar oo loogu talagalay in lala galo calaamadaynta waraaqaha cod-bixinta loona habeeyo in qarsoodi codka lagu hubiyo.

2.       Sanaaddiiqda cod-bixinta lagu ridayaa waa inay yaaliin meel muuqata ama hareeraha ka xigaan miisaska Gudoomiyaha goobta cod-bixinta.

 

6.4. Qodobka 40aad

Ogaysiinta Liiska Musharraxiinta

 

1. Halka nuqul ee ku xusan qodobka 27'aad ee xeerkan waa in lagu dhejiyo meel wada arki karo oo ka mid ah xafiiska doorashada ama goobta cod-bixinta

gudaheeda iyo dibedeedaba. ,

2. Nuqulka ogaysiinta ee ku xusan qodobka 27'aad ee xeerkan oo Guddidu ka soo sameeyay liiska musharraxiinta oo u kala horeeya sidii loogu soo gudbiyay waa in lagu dhejiyo banaanka xafiisyada doorashada iyo gudaha meel wada arki karo.

 

6.5. Qodobka 41aad

Qaybinta Qalabka Doorashada

 

Meel doorashada degmadu waa inuu hubiyo in goob kasta oo cod-bixin ka dhacayso in la geeyo wixii qalab ah ee loo baahan yahay markay saacadu tahay 6:oo saac ee subaxnimo ka hor maalinta cod-bixinta.

Guddidu waa inuu geeyo meel doorashada degmada qalabka loogu talagalay cod-bixinta ugu dambayn 4ta galabnimo maalinta ka horaysa cod-bixinta. Goob kasta oo cod-bixineed waa in la siiyo:-

a) Nuqul muujinaya magacyada hawlwadeenada goobta

b) Nuqul muujinaya wakiilada ururada/xisbiyada ee goob-jooga ahaanaya.

 

6.6 Qodobka 42aad

 Xafiiska Goobta Cod-Bixinta

 

Gudoomiyaha goobta cod-bixintu markuu helo qalabka ku xusan qodobka la soo dhaafay-waa inuu: -

a) Dhiso xafiiska oo uu hubiyayaasha iyo xoghaynta u sheego inay yihiin hawlwadeenadii goobta isla markaana la socodsiiyo sida ay hawsha loo

xilsaaray u gudanayaan. '

b) Hubiyo in wakiilada xisbiyadajururada ee loo soo ogolaaday inay goob- joog ahaadaan inay joogaan.

 

c) Markuu hubiyo inay saxaaraduhu lingaxan yihiin waa inuu furaa saxarada oo uu hubiyo inay dhan yihiin qalabkii, waana inay goob-joog ahaadaan Hawlwadeenadii goobta iyo wakiiladii ururadaj axsaabtu

d) Markuu hubiyo isaga iyo hawlwadeenadiisa iyo wakiiladu in xidhmooyinka ay ku jiraan shaambadda goobta iyo waraaqaha cod- bixintu lingaxan yihiin, waa inuu furo xidhmooyinka oo waraaqaha cod- bixinta la dhaco shaambada goobta, oo si nidaamsan ugu' rido weel xafidan. Waxaa reebban inay markaas joogto qof aan ahayn inta goobta ku qoran.

e) Inuu hubiyo in ogeysiinta ay ku qoran yihiin tilmaamaha cod-bixinta iyo liisaska musharraxiintu ku dhegan yihiin meelihii loogu talagalay.

f) Inuu hubiyo in qalabkii loo baahnaa ee cod-bixinta loogu talagalay loo agaasimay sida xeerku tilmaamayo, si hawsha doorashu si hufan ugu hirgasho.

Waa inuu diiwaan-geliyo dhamaan hawlgalka kor ku xusan in la fuliyey. Qoraalka waa inay ku caddaato shaambadda goobta, tirada waraaqaha cod-bixinta ee goobta cod-bixintu heshay.

Waa inuu markaa ka saxeexo hawlwadeenada iyo wakiiladaba in wax waliba sidii loogu talagalay yihiin.

Markuu hubiyo Gudoomiyaha goobta cod-bixintu in hawshaasi qabsoontay waa inuu ku dhawaaqo in cod-bixintu furay tahay.

 

6.7. Qodobka 43

Awoodda Gudoomiyaha Goobta Cod-Bixinta

 

1.       Guddoomiyaha goobta cod-bixinta waxa waajib ku ah inuu ilaaliyo nidaamka inta doorashadu socoto. Booliska ayuu ku amri karaa inuu qof goobtaa dibeda uga saara ama in la qabto qof gef ku sameeyay hawsha doorashada ama qof waali ka muuqato.

2.       Booliska looma oggola inuu galo gudaha goobta cod-bixinta haddii aanu Gudoomiyuhu amrin.

3.       Saraakiisha Booliska iyo kuwa shaqaalaha dawladda waa in ay fuliyaan codsiyada Guddoomiyaha goobta si loo hubiyo in si dhib yar codka loo bixiyo oo aanay dhicin in lagu ururo miiska hawlwadeenada ama goobta agteeda.

4.       : Gudoomiyaha goobta cod-bixinta iyo kuwa meel dhexe waxay xaq u leeyihiin inay isticmaalaan awoodaha ku qoran xubnaha qodobkan.

 

6.8 Qodobka 44aad

Gelidda Goobta Cod-Bixinta

 

1.       Xafiiska goobta cod-bixinta waxa geli kara dadka maamulaya xafiiska iyo kuwa ka wakiilka ah xisbiyada/ururada iyo kuwa codka bixinaya.

2.       Waxa reebban in cod-bixiyayaashu hub la yimaadaan goobta, markiiba qof ayaa gelaya, iyadoo lookala hor marinayo sidii loo soo kala horeeyay, hasa yeeshee waa la tixgelin karaa inuu ugu hormaro haddii ay jirto qof ka shaqaynaya hawsha doorashada oo doonaya inuu codkiisa bixiyo.

 

6.9 Qodobka 45aad

.Talaabooyinka ka horeeya Cod-Bixinta

 

1. Cod-bixiye kasta wuxuu codkiisa dhiiban karaa markuu

a)      Bixiyo tilmaamihiisa ku saabsan magaciisa, aqoonsigiisa iyo da'diisa.

b)       La hubsado inuu xaq u leeyahay cod-bixinta oo buuxinayo shuruudaha cod-bixinta, iyadoo si guud mar ah looga eegayo aqoonsigiisa, waraaqaha uu sito, marag-muujin kale ama sidii kale ee kolba loo caddayn karo.

2- Calaamad khad aan tirtirmi Karin laga mariyo cidida far-yarada gacanta bidix, haddii gacanta bidix maqan tahayna waa in cidida far-yarada gacanta midig laga mariyo, haddii ay labada gacmood maqan yihiin waa in laga mariyo meel kale oo jidhka cod-bixiyaha oo la arki karo. .

 

6.10. Qodobka 46aad

Dadka aan Codka Dhiiban Karin

1. Waxa codkiisa dhiiban kara cod-bixiyaha taga goobta cod-bixinta oo codkiisa ku ridi kara sanduuqa.

2. Haddii uu jiro qof ay naafonimo u diiday inuu codkiisa bixiyo Gudoomiyaha goobta cod-bixinta ayaa u ogolaanaya in cod-bixiye kale oo uu aaminsan yahay inuu gacan siinayo oo ka caawiya sidii uu codkiisa u dhiiban lahaa.

3. Xoghayaha goobta cod-bixinta ayaa qoraalka gelinaya sababta loo ogolaaday in qofkaas naafada ah laga kaalmeeyo sidii uu codkiisa u bixin lahaa, waxa kale oo uu qoraalka ku muujinayaa qofka naafada ah iyo qofka kaalmeeyey.

 

6.11. Qodobka 48aad

Hawlgalka Cod-Bixinta

  1. Hawlgalka cod-bixintu waa in la dhamaystiro hal maalin gudaheed oo ka bilaabmaysa 7:oo saac ee subaxnimo kuna dhamaanaysa 6:oo fiidnimo.
  2. Cod-bixintu way soconaysaa wakhtiga xidhitaanka la tixgelin mayo, haddii ay jiraan cod-bixiyayaal safka ku jira oo aan weli codkooda bixin ilaa ay ka dhamaanayaan.

 

6.12. Qodobka 49aad

Go'aanka Cabashooyinka ee Goobta Cod-Bixinta

 

Xafiiska goobta cod-bixintu waa inuu si ku meel gaadh ah go'aan uga gaadho cabashooyinka (haddii ay jirto) oo ay ka mid yihiin kuwa af ahaan loo soo jeediyey iyo wixii muran ah ee ku hawlgalka goobta cod-bixinta. Cabashooyinka iyo muranadaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.

 

6.13. Qodobka 50aad

Hawsha ka Horaysa Tirinta Codadka

 1. Markay cod-bixiyayaashu codkooda bixiyaan Gudoomiyaha goobtu wuxuu cod sare ku dhawaaqayaa inay cod-bixintu xidhan tahay.

2. Markuu Guddoomiyaha goobtu ka ururiyo miiska dhamaan waraaqaha iyo qalabk.a aan tirinta wax ahmiyad ah u lahayn wuxuu bilaabayaa hawsha soo socota:- .

a)      Hubinayaa tirada cod-bixiyayaasha isagoo ka eegaya tirada waraaqaha cod-bixinta.

b)      Ururinayaa oo tirinayaa waraaqaha cod-bixinta ee aan la isticmaalin waxaanu ku ridayaa baqshadda laad.

c)      Xaqiijinayaa oo saxeexiisa ku muujinayaa waraaqaha doorashada ee xumaaday ama aan hagaagsanayn ee ay soo celinayeen cod- bixiyayaashu, ama la arkay inay xun yihiin, waxaanu ku ridayaa baqshada 2aad.

 

Madaxweyne Maanta Ayaan Kuu Baahannahay ee Wax Ila Qabo

Anigoo ah Muwaadin reer Somaliland ah, deggena magaalada Laas-Caanood ee gobolka Sool, Mudane Madaxweyne Daahir Rayaale, waxaan u ahaa inankiisii, gacan-yarahiisii, saaxiibkii iyo dareewalkiisii muddo dhawr sannadood ah. Run ahaantii aad iyo aad buu Madaxweynuhu wakhtigaas ii tixgelin jiray, iina raali-gelin jiray.

Haddaan ka waramo Madaxweynaha, waa qof u qalma xilka iyo masuuliyadda uu Qaranka u hayo, haddaba Mudane Madaxweyne, haddaan isaga kaa waramo anigu muddo dhawr sannadood ah waan xannuunsanayay, xannuunkaas oo ahaa mid maskaxda (Waali) ah; sida runtiina ma aan helin wax daryeel ah ama dabiib ah, hadday tahay dalka iyo dibaddaba.

Haddaba, waxaan si xushmad leh kaaga codsanayaa in aad arrintaas wax igala qabatid, anigoo ku rajo weyn in aad wax igala qabanayso. Madaxweyne, adigoo runtii ku hawlan xilka aad qaranka u hayso, waxaad ka taxadirtaa in wax ay adiga kaa yimaadaan, anigana aanay isoo gaadhin oo dhexdeena mashruuc ka furmo.

Waxaan Illaahay kaaga baryayaa in xilka aad Qaranka Somaliland u hayso uu kuu fududeeyo. Aamiin.

Allaa Mahad Leh

Mustafe Maxamed Jaamac (Caydhaf), Laas-Caanood

 


Haweenka Oo Go’aansaday In ay la gorgortamaan Axsaabta Siyaasiga ah

H

argeysa (Haatuf): Kulan ay isugu yimaadeen haweenka ku hawlan arrimaha siyaasadda, uuna soo qaban-qaabiyay ururka “Women Political Forum” ayay ku go’aansadeen in ay dumarku la gor-gortamaan axsaabta Siyaasiga ah, taas oo ah sidii ay haweenka uga qayb-gelin lahaayeen talada Xisbiyada, door muuqdana u siin lahaayeen., waxaana sidaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay haweenku ka soo saareen gaba-gabadii kulankooda oo muddo dhawr maalmood ah uga socday Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana kulankan ka qayb-gashay Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Daryeelka Qoyska, Edna Aadan Ismaaciil.

Sida war-saxaafadeedku sheegay, ururka Women Political Forum oo la aasaasay September 1, 2001, si ay haweenku ugu diyaar-garoobaan marxalada doorashooyinka, si ay kaalintood a uga qaataan. Ujeedada ugu weyn ee ururkan loo aasaasayna, waa sidii dumarka looga qayb-gelin lahaa talada dalka iyo sidii loogu tababari lahaa in ay hantaan xilkaasi, loona samayn lahaa midnimo ay yeeshaan haweenku, inkasta oo ay ku kala jiraan axsaab kala duwan.

Waxa kale oo war-saxaafadeedku sheegay in ururka Women Political Forum, uu 24-kii – 28-kii November qaaday olole Wacyi-gelinta Doorashooyinka ah. Waxaanay ugu dambayntii sheegeen, in ay ku talo-jiraan sidii olole kaa la mid ah uga bilaabi lahaayeen gobollada dalka oo dhan.

 

Xubin Ka Tirsanaa Musharaxiinta Deegaanka ee Ururka ASAD Hargeysa oo Jagadaas Baneeyay

H

argeysa (Haatuf): Qoraal uu ku qoran yahay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Gobolka Hargeysa, Ibraahim Nuur Garow oo soo gaadhay Wargeysa Haatuf, ayaa xusay in Mustafe Cabdi Qaloonbi oo ka tirsanaa Liiska Musharixiinta ee urur-siyaasadeedka ASAD ee Golaha Deegaanka Hargeysa, gaar ahaan kaydka inuu baneeyay jagadaas.

Qoraalkani, wuxuu intaa raaciyay in sababta uu Mustafe Cabdi Qaloonbi u baneeyay jagadaas ay tahay inuu yahay shaqaalaha dawladda oo aan ruqsad ka qaadan shaqadaas.

Qoraal ku lifaaqnaa qoraalka gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gobolka Hargeysa oo isna uu Mustafe Cabdi Qaloonbi soo gaadhsiiyay Haatuf, ayuu ku sheegay in liiska musharaxnimada ee lagu daray ay ahayd arrin aan laga talo-gelin oo aanu ogeyn go’aaminteedii.

Mustafe Cabdi Qaloonbi, waa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka ee Booliska Somaliland, waxaanu hore ugu soo baxay qaar ka mid ah Jaraa’idka dalka, isagoo qayb ka ahaa qoraalo ay Guddiga Beesha Subeer Celi (Arab) ay kaga hadlayeen arrimo khuseeya ururada siyaasadda.

 

Salmaan Rushti Oo Taageeray Ayaan Xirsi Cali oo Wax Ka Sheegtay Diinta Islaamka

M

aqaal uu ku soo qoray Jariiradda New York Times Salmaan Rushti oo hore ay Caalamka Islaamku u cambaareeyeen buug uu ku fadeexadeeyay Diinta Islaamka, ayaa ku difaacay gabadha la yidhaahdo Ayaan Xirsi Cali oo ah Soomaaliyad oo dhowaan la sheegay in ay baahisay hadalo gef ku ah Diinta Islaamka.

Salmaan Rushti, wuxuu maqaalkaas ku sheegay in aanay Ayaan Xirsi, wax gefa ku sameyn Diinta Islaamka ee ay sheegtay in ragga Islaamku cabudhiyaan haweenka, taas oo Salmaan Rushti ku waafaqsan yahay Ayaan in ay tahay xaqiiq jirta.

Maqaalkaas Salmaan Rushti, wuxuu ku sheegay in ay Caalamka Islaamka ku soo badannayaan dad uu sheegay in ay qabaan Fikradihiisa oo kale, waxaanu tusaale u soo qaatay Professor reer Iiraan ah oo la yidhaa Hashem Aghajaan oo khudbad uu ka jeediyay magaalo ku taal Iiraan ku sheegay in dadka reer Iiraan si indho la’aana u taageerayaan wadaadda Diinta Islaamka. Professor Hashem, waxaa lagu xukumay dil, laakiin Ayutulaha dalkaas ayaa ogolaaday in dib loo eego xukunkiisa.

Warkani wuxuu intaa ku daray in ay boqollaal arday ahi mudaharaado magaalada Tehraan, iyagoo ku codsanaya in aan la dillin. Hay’adda Amnesty International iyo Dawladda Maraykanka, ayaa iyaguna dhaleeceeyay xukunkaas Professor Hashem.

Waxa kale oo uu soo qaatay Salmaan Rushti, suxufiyad reer Nayjeeriya ah oo la yidhaahdo Isiamo Daniel oo dhowaan maqaal ay qortay uu sababay dhimashada in ka badan boqol qof. Isiamo oo ah masiixiyad u dhalatay dalka Nayjeeriya oo xilliga ay maqaalkaas qortay uu ka socday tartan Haweenka ugu quruxda badan adduunka ay Isiamo soo qaaday Nebi Muxamed (CSW) oo tidhi ereyo cadho galiyay Muslimiinta reer Nayjeeriya. Isiamo, waxay arrintaa aawadeed u qaxday dalka Maraykanka, sababtoo ah Muslimiinta dalka Nayjeeriya ee ka xanaaqay qoraalkeeda oo go’aansaday in ay dilaan, tartankii quruxda ayaa isna loo qaxiyay dalka Ingiriiska, si halkaa loogu qabto.

Warkani wuxuu intaa raaciyay, in qoraalka Isiamo Daniel uu xaalad adag oo siyaasadeed ku abuuray Madaxweyne Obesanjo oo isagu qudhiisu ah Masiixiyiinta reer Nayjeeriya.

Qoraalka uu Salmaan Rushti ku qoray New York Times, waxaa ka muuqatay in uu aad u riyaaqay doodad Ayaan Xirsi Cali ku dooday iyo kuwa kale, sida Professor Hashem iyo Isiamo Daniel.

 

Siyaasadda ururka ASAD

Waraysi Khaas ah

H

argeysa (Haatuf): Mudane Cali Xasan Biixi oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee Somaliland, xoghayana ka ha Guddiga Shuruucda ee Golahaas, isla markaana ah xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee urur-siyaasadeedka ASAD oo aanu ka wareysanay dhinacyo badan, ayaanu hore idiinku soo gudbinay qaybtii hore ee Wareysigiisa cadadkii Arbacadii ee 212aad, qaybtii labaad ee wareysigaasina, waxay u dhacday sidan:

S: Xili waxaa la galay laga gudbayo xili beeleedkii oo loo gudbay xiligii xisbiyada, sideed u aragtaa wada-shaqaynta Golayaasha Sharci-dejinta ee Golaha Wakiilladu ka midka yahay iyo xukuumadda?

J: Runtii waxaan u arkaa in ay wanaagsan tahay, sababtu waxa weeyi waxaynu ku jirnaa marxalad u baahan in gacmaha la is qabsado, lawada tashado oo wadajir looga gudbo, waayo doorashooyin ayaynu imika gelaynaa, kuwaas oo hadday nabadgelyo, degenaan iyo wanaag inoogu dhacaan, ictiraaf, horumar iyo sumcad wanaagsan ina siinaya. Haddii wadashaqayn la’aan iyo isku buuq dhacaana dibu dhac inoo keenaya, iyadoon aan ognahay weliba cidii aan doonayn wanaagana ay shirar leeyihiin, cadowyo badan aynu leenahay, sidaa daraadeed waa ku waajib in ay wada tashadaan, waxna wada qabtaan, waanay fiican tahay wada shaqeyntu ilaa iyo hadda wax dhibaato ahi ma jiraan.

S: Mudane Cali, Golaha Wakiillada, waxaa lagu soo dooran jiray beelo, imika ururo loo gudbay, bal ka waran adigu ururka aad ka tirsan tahay ee ASAD, hawlihiina siyaasadeed?

J: Sida aad sheegtay, waxaan ka tirsanahay ururka ASAD. Ururka ASAD-na wuxuu ka mid yahay ururadaa maanta tartanka siyaasadeed diyaarka u ah. Awal waxaa lagu xaman jiray shir-beeleed iyo wax noocaas ah, hase yeeshee imika wuxuu diyaar u yahay inuu ka qayb-galo doorasho xalaal ah oo lagu tartamo oo xalaal u dhacda, waxaanu mabda’iisa koowaad yahay in nabadgelyo iyo wada tashi, iyo gacmo isqabsi ay wax waliba ku dhacaan. Ururka sidaas ayay hawshiisu tahay, ma aha urur la col ah xukuumadda iyo ururada midna, waayo cid heli doonta dee Allaahu yaclam. Runtii waxaanu ognahay marka doorashooyinka deegaanku dhacaan, waxaa soo hadhaya saddex urur. Saddexdaa hadhaa dee dadkoodii iyo siyaasiyiintii, kuwa kale ayay ku biirayaan, markaa waxay ku wanaagsan tahay in marka horeba laga hormarayo danta guud, danta ama ururka ama shakhsiga wax helaya, jiritaankeeda iyo sidii taa loo wada ilaalin lahaa in ay mudnaanta koowaad siino, waxaanan ragga musharixiinta ah ee madaxweynaha doonaya kula talinayaa in ay danta guud ka hormariyaan danta gaar ahaaneed oo muhiimku noqdo sidii jiritaanka, xasiloonida nabadgelyadaba, cidii ku guulaysatana loo hambalyeeyo ayaan iyadana soo jeedin lahaa. Ururka ASAD niyad-wanaag, ayaa runtii ka muuqda, markaa diyaar ayuu u yahay doorashada.

S: Markaa loo eego miisaanka musharixiinta u tartamaysa jagada Madaxweyne-nimada ee Somaliland, waxaa jirta aragti ah in doorashooyinku ay noqonayaan mid adag, aragtideed adigu ka qabtaa?

J: Horta sidaad la socoto doorashada aynu manta galeynaa waa tii deegaanka, dadku yay moodin in tan Madasweyne la dooranayo, konsalkii ayaa la dooranayaa lixdan ururna way ku kala hadhayaan, hadafka ugu muhiimsan ee tani leedahay waa taa. Saddexda xisbi markii ay inoo soo baxaan ayaa saddexdii nin ee isu sharayay jagada Madaxweyne-nimada Somaliland iyo saddexdii K/Xigeen ay soo baxayaan, dabadeedna halkaa ayuu dalku ikhtiyaarkiisa iyo sadexda nin ee dalka loo soo sharaxay sida ay yihiin lagu kala dooranayaa, markaa anigu waxaan aaminsanahay in adayg dhibaato ahi aanay jirin ee dadka uun ay tahay in saddexda urur ee soo baxaa ay hor keenaan in ay kala doortaan, iyagoo leh kaasaa dalka iyo dadka wax u taraya, fikradda aan ka qabaa waa taa. Wixii shuruucee ee cid hadhowto ka gudbiweyda ee distuurka ku yaal hadhow, taasina waxay u taallaa guddiga doorashooyinka, golayaasha iyo cidii shuruucda ku shaqo leh.

S: Musharaxa ururka ASAD ee jagada Madaxweynimadu waa kuma?

J: Runtii ilaa iyo hadda weli, guddoomiyaha ururku waa Saleebaan Maxamuud Aadan oo waynu naqaanaa, K/xigeenkiisa 1aad waa C/raxmaan Aw Cali Faarax, K/xigeen 2aad ayuu leeyahay oo ah Fu’aad Aadan Cadde, haddaba waxa weeyi sida qaynuunku dhigayo ama xeerka iyo dastuurka ururku golaha dhexe ee ururka ayaa soo saari doona marka nink Madaxweynimada loo soo sharaxayo, sidaa daraadeed lama odhan karo hebelbaa musharaxa iyo hebel baan musharax ahayn. Ilaa hadda waxaynu ku ognahay ururo, ururadiina gudoomiyayaal ayay leeyihiin iyo k/xigeeno, maaha macnaheedu ninkaas ayuunbaa u taagan Madaxweyne-nimo, ninkii loo garto, haddii ururkayaga Saleebaan loo garto isagaa noqonaya, haddii rag kale laysla garto oo ay soo baxaana kuwaasaa noqonaya ururka, waxaa hadda u gudoomiye ah Saleebaan, waxaanad moodaa ASAD in ay kaga duwan tahay ururada iyadoon khilaaf lahayn, ilaa iyo hadda niman isku kalsoon oo wax isu ogol oo aan khilaaf dhexdooda ka jirin, runtii weeyaan.

S: Waxaa la idinku xaman jiray in aad shir-beeleed u ololeysaan oo doorashooyinka aanay xilligan ka haboonayn, bal xantaa ka waran maxaa ka jira?

J: Fikirkaasi waa kii isbedelay markii uu ururku is-diiwaangeliyay, markii uu furtay xafiisyadiisa gobollada iyo degmooyinka. Hadafka qudha ee uu weligiiba taagnaa waxay ahayd ha la helo doorasho xalaalla, markaa wax shirbeeleeda oo ururku hadda wado ama ka duwan Somaliland runtii ma jiro, haddii doorahso ama dhici waydo ama wax kale yimaadaan wuxuu kala mid yahay ururada iyo golayaasha, talada ummadda sidii la odhanayo ayuun buu isna kala qayb-qaadanayaa, laakiin wax gaar u ah oo uu manta wataa ma jiro oo ahayn doorasho xalaal ah in la helo.

S: Ururada qaarkood waxaad moodaa in ay leeyihiin hogaamiyayaal caana oo si sharciya ha loo soo saaro ama yaan loo soo saarine loo arko inuu isagu yahay musharaxa jagada Madaxweyne-nimada ee ururkaas, waayo sida UDUB Madaxweyne Daahir Rayaale; HORMOOD, waxaa u ah Cumar Carte, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu u yahay ururka KULMIYE, markaa dee idinkana hogaamiyihiinu sow Saleebaan Maxamuud Aadan maaha?

J: Kolay Haa, anagana ilaa iyo hadda ninka Madaxweynaha ah ee noo ah waa isaga, laakiin sharciyeyntii iyo habkii waxaa la marayaa habkii aan kuu sheegay in hadhow la xalaal doono cidii doonto ha noqotee.

 

Wareegii Labaad ee Horyalka Yurub oo ku Bilaabmay Ciyaaro Adag

T

artanka horyaalka Yurub ee loo yaqaan Champion League, ayaa toddobaadkan ay iskaga horyimaadeen kooxaha u soo gudbay wareega labaad oo loo qaybiyay afar qaybood (4 Groups), ciyaarahaas oo dhacay maalmihii Salaasadii iyo Arbacadii toddobaadkan.

Ciyaarahaas waxa ay ahaayeen ciyaaro ay iskaga horyimaadeen kooxaha ugu waaweyn Yurub, uguna magaca weyn.

Haddaba inaga oo si guud u duulmari doona sideedii ciyaarood ee toddobaadka waxa ay ugu horayn doona ciyaarihii Salaasadii.

 

AC Milan oo Dhirbaaxo Ku Dhuftay Real Madrid

Ciyaartii ugu weynayd ee sida xooga ah loo xiisaynayay, loona hadal-hayay waxa ay ku dhammaan doonto, ayaa ay isku haleeleen AC Milan iyo Real Madrid, ciyaartaas oo ka dhacday magaalada Milan garoonka San Siro oo ay daawanayeen taageerayaal lagu qiyaasay in ka badan 76, 000 oo qof.

Kooxda Milan, ayaa iyadu ku guulaysatay in ay muujiso kaalinteeda kooxeed, kadib markii ay kaga guulaysatay 1-0, goolkaas oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka weerarka ah Andrei Shevchenko oo isagu ka soo noqday dhaawac.

Kooxda Real Madrid, ayaa iyaduna ciyaarta ku ciyaaraysay iyada oo ay ka maqnaayeen saddex ciyaaryahan oo aasaaska kooxda ahaa oo kala ah; ciyaaryahanka reer Brazil ee Ronaldo, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Claud Mclele iyo ciyaaryahanka difaaca u hogaamiya kooxda Real Madrid, Fernando Heiro iyo weliba ciyaaryahanka Khose Maria Guiti, halka ay layaab noqotay in uu ka maqnaado weerarka kooxda Milan ciyaaryahanka Filipo Inzaghi oo xaalad dhaawac awgeed u maqnaa.

Goolka ay guushu ku raacday Milan oo dhashay daqiiqadii 18aad, taas oo ay kubad ugu timid ciyaaryahanka Chevchenko gudaha khadka 18aad, isaga oo si habsami ah u maamulay oo isula rogay dhinaca gool, kuna laaday kubadda dhinaca midig ee shabaga, goolkaas oo hormariyay kooxda Milan inay hogaanka ciyaarta qabato. Ciyaartiina waxay guushu ku raacday kooxda AC Milan oo iyada lagu ciyaarayay garoonkeeda San Siro.

 

Guusha Brosia Dortmund

Ciyaartii labaad ee isla qaybta 3aad (Group C), ama guruub C, ayay guulaysatay kooxda Jarmalka ah ee Brosia Dortmund oo iyadu ku guulaysatay Horyaalka Yurub sannadkii 1997-kii, guul qaaliya oo ay ka guulaysatay kooxda L. Moscow 2-1.

L. Moscow, ayaa iyadu ku horaysay goolka daqiiqadii 31aad. Laakiin farxadda kooxdaasi may noqon mid sii waarta, kadib markii ay kooxda Dortmund keentay goolkii barbardhaca laba daqiiqadood kadib oo uu u saxeexay ciyaaryahanka reer Czech ee Thomas Rosky. Laba daqiiqadood ka hor dhammaadkii qaybtii hore ee ciyaarta ayuu ciyaaryahanka weyn ee reer Czech uu u dhaliyay goolkii labaad ee kooxdiisa. Waxaanay ciyaartii ku dhamaatay B. Dortmund oo 2-1 ku badisay.

 

Barbardhicii Juventus iyo Guushii Manchester

Ciyaarihii Group D ee iyaduna isla habeenka dhacday ayaa kooxaha Deportivo iyo Juventus isku haleeleen. Ciyaartaas oo ay kooxda Deportivo La Caruna ayaa ka fajicisay kooxda Juventus, kadib markii ay laba gool oo darandooriya ka dhalisay kooxda martida u ahayd ee Juventus oo ay u dhaliyeen Deigo Tristan iyo ciyaaryahanka reer Holland ee Roy Mcowy daqiiqadihii 9aad iyo 11aad ee ciyaarta qaybteedii hore.

Laakiin Juventus, ayaa iyadu ku guulaysatay in ay keento barbardhac, kadib markii uu u dhaliyay goolka koowaad ciyaaryahanka Alexsandro Bernadly daqiiqadii 38aad, ka hor intii aanu ciyaartoyga reer Czech ee Bavel Nedved-na uu u saxeexay goolkii ay dhibicda ku heshay Juventus daqiiqadii 59aad, ciyaariina ay ku dhammaatay 2-2.

Ciyaartii labaad ee isla Group D oo dhexmartay kooxaha Manchester United iyo Bazel, ciyaartaas oo ay goolka ku horaysay kooxda Bazel daqiiqadii koowaad, laakiin kooxda Ingiriiska ah ayaa iyadu dhalisay saddex gool toddoba daqiiqadood gudahood qaybtii labaad ee ciyaarta. Goolka hore ee ay barbardhaca kula noqotay waxa u keenay ciyaartoyga reer Holland Van Nestroy daqiiqadii 61aad. Daqiiqadi kamay soo wareegin kadib markii uu kubad uu Nestroy si wanaagsan u maamulay ka dhaliyay kooxda Bazil oo ay Manchester ku hormartay ciyaartii, kadibna ay kooxda Bazil ka luntay ciyaartii, dabadeedna ay Manchester ka faa’iidaysatay goolkii sadexaad oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka reer Norway, kadib baas uu ka helay Nestroy. Ciyaartiina waxay ku dhamaatay guul ay la hoyatay Manchester 3-1.

 

Barcelona 2 Leverkusen 1

Kooxaha Group B ayaa iyaguna ciyaarihii ay yeesheen, waxa ay Barcelona ka badisay koox Leverkusen oo iyadu hoygeeda lagu ciyaarayay. Bacelona oo iyadu sii wada guulaha isdaba jooga ah ee ay ka keenayso horyaalka yurub, ayaa iyadu ciyaartaas ku badisay laba gool oo ay u keeneen laba ciyaartoy oo iyagu bedel ku soo galay oo kala Saviola iyo Overmars, guushaas oo noqonaysa tii toddobaad ee si isdaba jooga ay ku guulaysato ciyaaraha Horyaalka Yurub.

 

Inter 4 Newcastle 1

Ciyaartii labaad waxa iyaguna iskaga horyimid Inter Milan iyo Newcastle United, ciyaartaas oo ka dhacday garoonka Newcastle ayay inter ka faa’iidaysatay dhinaashaha kooxda Newcastle kadib markii laga ciyaartoy oo uu kaadh cas ka qaatay ciyaarta, waxaanay dhalisay Kooxda Inter saddexgool. Laakiin kooxda Newcastle ayaa isku dayday in ay dhashato goolal, umase suurto gelin ilaa hal gool mooyaane goolkaas oo dhashatay daqiiqadii 72aad, balse Recoba ayaa isagu u saxeexay goolkii afraad ee kooxda Inter Milan, ciyaartiina waxa ay ku dhammaatay 4 – 1 ay Inter ku guulaysatay.

 

Arsenal 3 Roma 1

Ciyaaraha Group B ayaa iyaduna kooxda Arsenal ay garoonka Olmypic-ga ee Roma kula yeelatay kooxda AC Roma, ciyaartaas oo daawanayeen 50,000 qof, waxa isagu isku muujiyay inuu yahay xidigga ciyaartaas weeraryahanka reer Faransiis Theiry Henry oo saddex gool uu kala dhaliyay daqiiqadihii 6aad, 70aad iyo 75aad ku siiyay kooxdiisa guusha, halka ay Roma dhashatay hal gool daqiiqadii 4aad.

Isla Groupkaas ayaa kooxaha Vallencia iyo Ajax ciyaari ku dhexmartay garoonka Vallencia, ciyaartaasina waxay ku dhamaatay 1-1 ay isla mari waayeen labada kooxood.

 

 

Dood

H

argeysa (Haatuf): Dood-cilmiyeed muddo saddex maalmood ah socotay oo ay ka qayb galeen ilaa dhawr iyo labaatan suxufi oo ka kala socda qaybaha iyo hayadaha kala duwan ee saxaafadda Somaliland ayaa shalay lagu soo gebagebeeyey magaalada Hargeysa.

Dood-Cilmiyeeddan oo ay wada jir u soo qaban-qaabiyeen saddex hayadood oo samafal ah oo kala ah: ICD, PENHA iyo FOPAG waxa uu ku qabsoomay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana mudadii uu socday lagu qaadaadhigay mawduucyo la xidhiidha marxaladda xasaasiga ah ee xiliga doorashooyinka iyo isbedelada siyaasadda lagu jiro iyo doorka ay saxaafaddu ka qaadan karto, taas oo ay suxufiyiintii dood-Cilmiyeedaa ka qayb qaatay iswaydaaradeen arimo badan oo la xidhiidha xiliga lagu jiro iyo saamaynta ay geedisocodka adeegyada saxaafadda ku yeellan karto, iyadoo ay geedisocodka doodda daadihinayeen hawl-wadeeno ka kala socda saddexdaa hayadood iyo weliba rag kale oo khibrad u leh arimaha saxaafadda.

Runtii mudadii ay dooddu socotay duruufo dhinacyo badan leh oo saamayn ku yeellan kara suxufiga iyo saxaafadda ayaa lagu gorfeeyey madasha, isla markaana waxa aad la isula jeex-jeexay kaalinta ama doorka ay saxaafaddu ka qaadan karto hawlaha doorashooyinka, taas oo la isla tilmaamay dhumucda ay leedahay marxaladdan xasaasiga ah iyo feejignaanta looga baahan yahay ninka suxufiga ah iyo saxaafadda guud ahaan, waxaana gebagebadii doodda lagu go’aamiyey ilaa toban qoddob  oo ah dhaqanka iyo anshaxa adeeg ee suxufiga iyo saxaafadda, kuwaas oo la isla gartay in inmuddo ah ugu yaraan ilaa mudada ay socdaan hawlaha doorashooyinku si ku meel-gaadh ah ay beesha saxaafadda Somaliland ugu sii dhaqanto, iyadoo ay tobankaa qoddob si guud u tilmaamayaan ilaalinta anshaxa suuban ee saxaaafdda iyo kaalinta dhexdhexaadnimo ee looga baahan yahay saxaafadda hadii ay tahay hay’adda (Institution) iyo hadii ay tahay hawl-wadeenka saxaafaddaba.

Qoddobadaana waxa uu nuxurkoodu ku salaysana inay saxaafaddu feejigo dheeraad ah ka yeelato marxaladda xasaasiga ah ee xiliga doorashooyinka iyo inay dhexdhexaadnimo iyo dul-qaad weyn ka muujiso arimaha socda iyo ururada iyo dhinacyadda siyaasadda ee hirdamaya hadii ay ta dawliga ah iyo hadii ay tahay ta Madaxa banaan dirkaba.

Arimaha kale ee gebagebadii kulankaa lagu soo qaaday waxa ka mid ahaa duruufaha haysta suxufiyiinta iyo guud ahaan goobaha wax soo saarka Somaliland, waxaana markii laga hadlayey dhibaatooyinka iyo duruufaha bahda saxaafadda haysta si gaar ah farta loogu fiiqay urur la’aanta saxaafadda Somaliland haysata, taas oo aanay lahayn urur kulmiya, laakiin waxa halkaa lagu gorfeeyey baahida loo qabo in la sameeyo urur saxaafadeed. Hase yeeshee waxay doodi ka abuurrantay sida iyo dariiqa loo marayos samaynta ururkaa, waxayse xubno suxufiyiinta ka mid ahi soo jeediyeen in mustaqbalka la qabto kulan ay bahda saxaafaddu u dhan tahay, halkaana lagu go’aamiyo samaynta iyo aayaha ururka saxaafadda.

Inkasta oo ay qaar suxufiyiinta ka tirsani xuseen inay hadda jiraan dad ku hawlan samaynta urur saxaafadeed, hadana taa waxa inta badan loo arkay mid aan la wada ogayn ama loo dhamayn oo hadhaw dhibaatadeeda yeellan karta, sidaa darteed waxay aragtidu u badatay  inay daruuri tahay kulan guud oo ay dhan yihiin qaybaha iyo bahda saxaafaddu in lagu abyo karo urur-saxaafadeed tifaftiran, taas oo macnaheedu yahay inay samaynta urur saxaafadeed ku filayn qayb ama koox gaar isu abaabushay. “Waa inay samaynta ururka saxaafadda kulan guud ka yeeshaan dhammaan suxufiyiintu oo ay xataa ka soo qayb galaan weriyayaasha goboladu, hadii kale oo ay kooxi urur ku dhawaaqdo, waxa imanaysa koox kale oo iyana urur ku dhawaaqda, taasna waxba kuma samaysmayaan”sidaa waxa ku dooday Shukri Xariir oo ka mid ahayd suxufiyiintii kulankaa ka qayb galay.

Mawduucyada kale ee dood cilmiyeedaa lagu lafaguray waxa ka mid ahaa waajibaadka laga rabo masuuliyiinta iyo maamulada dawladda, hadii ay tahay dawladda dhexe iyo hadii ay tahay dawladaha hoose, kuwaas oo la isla tilmaamay waajibka shilis ee ka saaran adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta dadkoooda, laakiin waxa iyana farta lagu fiiqay dayaca weyn ee taa ka muuqda. Sidoo kale waxa qoddobada halkaa lagu gorfeeyey ka mid ah doorka ay dadweynuhu ku leeyihiin marka laga hadlayo aayahooda, laakiin la isla tilmaamay inaanay u bislayn inay la xisaabtamaan cidda ay u igmadeen danahooda guud, sidaa darteed loo baahan yahay in wacyigooda kor loo qaado.

 

Madaxweyne Rayaale oo laga martiqaaday dalka Senegaal

H

argeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa laga martiqaaday ka helay dalka Senegaal ee ku yaal galbeedku Afrika, waxaana martiqaadkaa u fidiyey madaxweynaha dalka Senegaal  Abdoula Wade, sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu af-hayeenka madaxtooyada, Cabdi Idiris soo saaray. Laakiin war-saxaafadeedka af-hayeenku waxa uu ka dambeeyey kulan ay isla shalay qasriga madaxtooyada Somaliland ku yeesheen madaxweyne Daahir Rayaale iyo  Sarkaal la taliye u ah madaxweynaha Senegaal oo magaciisa la yidhaahdo, Diakhate Pakhda, halkaas oo ay madaxweynaha iyo sarkaasi kulan muddo hal saac ah qaatay ku yeesheen, iyadoo uu war-saxaafadeedku sheegay in kulankaa ay labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka labada dal ( Somaliland & Senegaal)., iyadoo uu sarkaalka dawladda Senegaal ka socdaa yahay ninka martiqaadka soo gaadhsiiyey madaxweyne Rayaale.

Sida uu sheegay war-saxaafadeedkaasi martiqaadka uu madaxweynaha dalka Senegaal u fidiyey waxa uu jawaab u ahaa dhambaal fariin ah oo uu hore madaxweynaha Somaliland ugu diray hogaamiyaha Senegaal, waxaana la sheegay inuu dhambaalkaa sii qaaday oo uu gaadhsiiyey madaxweynaha Senegaal  sarkaal dawladda Somaliland u qaabilsan arimaha dalalka galbeedku Afrika oo magaciisa la ydihaahdo Xasan Diini.

“Madaxweynow waxaan ku faraxsanahay inaan qaabilo Xasan Diini, taas oo ii noqotay munaasibad aan si buuxda ugaga borto xaaladda wadankiina iyo inaanu helo war ku saasban shaqada wanaagsan ee aad qabsateen”ayuu madaxweynaha Senegaal ku yidhi dhambaalka martiqaadka ah ee uu u soo diray madaxweynaha Somaliland, laakiin wuxuu intaa ku daray dhambaalka madaxweynaha Senegaal “Aniga oo munaasibadaa ka faa’iidaysanaya  waxaan kuu fidinayaa inaad martiqaad rasmiya dalka Senegaal bisha ramadaan ka dib, laakiin waxa maalinta ay noqonayso isla meel dhigi doona Wasaaradaha arimaha debedda ee labada dawladood” .

 

Weftiga Laascaanood

L

aas-caanood (Haatuf): Wefti wasiiro u badan oo ka socda dawladda Somaliland ayaa hadda hawlo maamul ka wada gobolka Sool, iyaga oo ku sugan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, waxayna weftigaasi halkaa ku maqnaayeen muddo ka badan hal toddobaad, ka dib markii ay khamiistii toddobaadkii hore ka baqooleen magaalada Hargeysa.

Madaxa weftigaa C/laahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo ah wasiirka dib-udejinta ayaa sheegay inay hadda gacanta ku hayaan hawlo ay ka mid yihiin tirokoobka iyo dib u habaynta ciidamada kala duwan ee Somaliland ee gobolka Sool iyo weliba sidii loo qaramayn lahaa ciidamo kale iyo weliba sidii loo dhaqaajin lahaa maamulka gobolka, wuxuuna wasiirku sidaa ku sheegay waraysi aanu isgaadhsiinta telefoonka kula yeelanay isaga oo jooga Laascaanood, taas oo uu tafaasiil ka bixiyey guud ahaan hawlaha ay gobolka ka wadaan iyo waxyaalaha ay kala kulmeen socdaalkooda gobolkaa, laakiin adaxa weftiga, Cabadilaahi Darawal isaga oo ka waramaya hawlaha ay gobolka u tageen wuxuu yidhi “Hawlaha aanu gobolka u tagnay waxa ka mid ah ciidamada oo la tirokoobo iyo la qarameeyo oo la isku qayb-qaybiyo iyo maamulka oo al dhaqaajiyo oo xafiisyadii badhasaabka iyo kuwii kale ee degmada ama gobolka oo la furo, hawlihiina hadda si fiican ayey noogu socdaan”.

Mar kale wasiirka dib-udejintu isaga oo ka waramaya xaaladda nabadgelyo ee gobolku sida ay hadda tahay waxa uu yidhi “Aad iyo aad bay xaaladda nabadgelyo u wanaagsan tahay, wax dhibaato ah oo hadda ka jiraana ma jiraan”, laakiin sida ay hore u sheegeen warar la xidhiidha socdaalka weftigaa waxa markii ay Laascaanood ku sii dhowaayeen rasaas ku furtay dabley hubaysan oo jid-gooyo u gashay, taasina waxay keentay baa la yidhi inay weftigu laba goosan noqdaan oo goosan-ba mar galo magaalada Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool, laakiin wasiirka dib-udejinta oo aanu waydiinay inay jirto dableyda la sheegay inay rasaaseen wuu qiray, laakiin waxa uu sheegay inay nimanka raasaaseeyey ahaayeen niman ciidanka Qaranka ah oo mushahar ka maqan ka cadhaysnaa. ”Waxay ahaayeen niman ciidanka Qaranka ah ka tirsan oo ka xanaaqsan mushahar ka maqnaa, laakiin may ahayn wax dadka gobolka ku dhaqan ay shaqo ku lahaayeen, arintaasina way dhamaatay oo hadda wax dhibaato ahi kama taagan”.

Weftiga wasiirada ahi waxay gobolka Sool u baqooleen maalin ka dib markii ay ka soo hoyden wefti shilis oo isugu jiray Salaadiin, xubno Guurtida ah, siyaasiyiin madax banaan, duqay iyo wax garad kale, kuwaas oo muddo saddex bilood gaadhaysa hawl-gal nadabeed ka waday gobolka, ka dibna xal ka gaadhay colaaddo dhexmaray beelo ka tirsan reer Sool, waxayna wararku sheegeen inay weftigaasi saamayn weyn oo siyaasadeed ku yeesheen gobolka, taas oo ay dadka reer Sool aad u soo dhoweeyey, ugana mahdadoobeen hawsha nabadeed ee ay weftigaasi qabteen. Hase yeeshee Madaxa weftiga wasiirada, C/laahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo aanu waydiinay xaaladda nabadgelyo iyo jawiga siyaasadeed ee ay hadda kala kulmeen gobolka waxa uu yidhi “Xaaladda nabadgelyo iyo jawiga siyaasadeed ee gobolku aad iyo aad bay u wanaagsan tahay, hawshii ay weftigaasi soo qabteena way ka muuqataa”.

Wasiirku waxa dib-udejintu waxa uu sheegay inaanu hadda sheegi karin mudada uu qaadanayo socdaalkooda hawleed ee gobolka, laakiin waxa uu xusay inay ku xidhnaan doonto had-ba inta ay ugu dhamaato hawlaha maamul ee ay wadaan, isaga dhinaca kalena sheegay inay soo dhowayn weyn kala kulmeen dadka reer Sool, waxaana xubnaha weftigaa ka mid ah wasiirada xanaanada xoolaha, cadaaladda,Wershadaha iyo wasiirkuxigeenka gaashaandhigga iyo weliba xubno ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somaliland.

 

 

Guddiyada doorashooyinka

H

argeysa (Haatuf): Tababar socday muddo laba maalmood ah oo loo qabtay guddiyada doorashooyinka gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa shalay lagu soo gebagebeeyey xarunta guddiga doorashooyinka heer qaran ee magaalada Hargeysa, waxayna tababarkaa hawl-wadaneeda guddiyada doorashooyinku ku baranayeen mawaadiic la xidhiidha nidaamka ay dadku u codaynayaan marka la gaadhoxiliga doorashada.

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabiyeen guddiga doorashooyinka qaranku waxyaalaha ay ka qaybgalayaashu ka baranayeen waxa ugu muhimsanaa sida uu cod-bixiyuhu ugu muujinayo cod-bixintiisa (Ballot Paper) ururka uu codkiisa siinayo maalinta ay doorashadu dhacayso.

Warqadda cod-bixinta oo ay dhowaan guddiga doorashooyinku u soo bandhigeen ururada siyaasadda ee u taagan tartanka madaxtinimada dalka waxa lagu xardhay magacyada iyo calaamadaha lix urur-siyaasadeed oo kala ah: ASAD, HORMOOD, KULMIYE, SAHAN, UCID iyo UDUB. “Mudooyinkan waxaanu wadnay wacyigelin guud oo ku saabsan ahmiyadda doorashadu leedahay, laakiin hadda waxa la gaadhay waqtigii dadka loo sharaxi lahaa habka loo codaynayo” sidaa waxa yidhi Maxamed Sheekh oo xubin ka ah guddiga doorashooyinka Qaranka, wuxuuna intaa ku daray “Arintaa fulinteeda waxa uu waajib ka saarran yahay guddiyada doorashada, ururada siyaasadda iyo warbaahinta”.

 

Ururka UDUB oo olole ka wada gobolka Saaxil

B

erbera (Haatuf): Musharaxiinta dawladaha hoose ee degaanka gobolka Saaxil ayaa Arbacadii doraad dadka reer Berbera kala hadlay fagaaraha la yidhaahdo 26-ka Juun, waxaana halkaa isugu soo baxay dadweyne tiro badan.

Khuda-badda ay musharaxiinta iyo taageerayaasha ururka UDUB u jeediyeen dadka reer Berbera waxay qayb ka tahay olole weyn oo uu ururka UDUB toddobaadkan halkaa ka bilaabay, taas oo ay ugu xusul-duuban yihiin sidii ay u kasban lahaayeen taageerada dadweynaha, isla markaana uga soo kaban lahaayeen dhaawaca ka soo gaadhay khilaafaad siyaasiya oo saameeyey gudaha ururka UDUB.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir ayaa war-bixin nooga soo diray ololaha uu ururka UDUB ka wado gobolka Saaxil, xaruntiisa Berbera iyo saamaynta uu ku yeeshay dadka degaankaa, wuxuuna war-bixintiisa ku bilaabay:

“Isu soo baxa fagaaraha 26-ka Juun oo ay soo abaabuleen xubnaha musharaxiinta golayaasha degaanka dawladaha hoose iyo taageerayaasha ururka UDUB waxa isugu yimi dadweyne badan, waxayna taasi ku soo beegantay xili ay dadku daawanayaan loollan k dhexeeya xubnaha musharaxiinta ururka UDUB oo aad moodo inuu ka dhexeeyo xadhig jiidad iyo is-garbin..

Markii hore falkinta iyo kala hagidda siyaasadaha iyo dhaqdhaqaaqayada ururka UDUB ee gobolka Saaxil waxa shidhka ugu jirey oo hormuud ka ahaa Xasan-Gadhweyne oo isku hayey labada jago ee maayarka Berbera iyo badhasaabka gobolka Saaxil, wuxuuna Xasan liiskii u horeeyey ee musharaxiinta ururka UDUB ee degaanka Saaxil kaga jirey lambarka koowaad, laakiin waqti dambe ay hogaanka sare ee UDUB soo saareen waxa uu kaga jiraa meel aad u dambaysta, waxaana lambarkiisii lagu bedelay Cabdalle Maxamed Carab, waxayna Cabdalle iyo xubno kale oo cusubiba si firfircoon uga dhex-muuqdaan ololaha cusub ee hadda ka socda gobolka Saaxil..

Ninka hadda kumeelgaadhka u sii haya xilalka maayarka Berbera iyo badhasaabka Saaxil, Maxamed Axmed Xasan ayaa ugu horayn isu soo baxa fagaaraha 26-ka Juun ka hadlay, wuxuuna halkaa ka jeediyey hadal wacyigelin iyo baraajujin u badan. “Qofkasta waxa la gudboon inuu xil iska saaro sidii uu u gudan lahaa wixii waajib ah ee dhiniciisa saaran”ayuu yidhi Maxamed Axmed Xasan.

Gudoomiyaha xafiiska UDUB ee Berbera, Siciid C/laahi Yaasri oo ay hareeraha joogaan xubnaha musharaxiinta ururka UDUB ee degaanka Saaxil ayaa isna faagarahaa ka ahdlay, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Waxaan doonayaa inaad isu miisaantaan musharaxiinta ururada kale iyo musharaxiinta ururka UDUB ee hortiina taagan oo aan filayo inay yihiin kuwo idin anfaca inaad tayadooda eegtaan, anaga oo jecel inaad dawladiina iyo xisbiga UDUB nala doorataan”.

Waxa kale oo isna halkaa aka hadlay Cabdalle Maxamed Carab oo ah ninka lambarka koowaad ku qoran, wuxuuna yidhi “Dadweynow kuwa aad xilka u dhiibanaysaan waa inaanay noqon kuwo ku naax-naaxa cashuurta laga soo ururiyo hooyada sariibadda fadhida, ninka aad xilka u dhiibanaysaana waa inaad kuraasta cadiirka ah isugu timaadaan”. Sidoo kale waxa isna fagaarahaa ka hadlay badhasaabkii hore ee gobolka Saaxil, isla markaana ahaa maayarkii Berbera, Xasan Gadh-weyne, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “Waa ilaahay mahadii mar hadii aan fiursad u helay inaan halkan idinkala hadlo aniga oo qof caadiya, kana mid ah musharaxiinta ururka UDUB, waayo wax badan ayaan halkan idinkala ahdlay iyadoo uu xil i saaran yahay”, laakiin wuu sii waday hadalka wuxuuna aad ugu dheeraaday duruufihii uu soo maray iyo waxyaalihii u qabsoomay mudadii uu isku hayey labada xil ee maayarka Berbera iyo badhasaabka Saaxil. Hase yeeshee waxa uu markii dambe u weekday dhinaca ururka UDUB iyo xaaladiisa, wuxuuna yidhi “UDUB waa mudankii axsaabta, waxaadse moodaa inay qaar aasaasayaashii ururka ka mid ahi hadda cadho kaga maqan yihiin, kuwaas waxaan leeyahay walaalayaal noo kaalay idinkama maaranee”., laakiin Xasan-gadhweyne waxa uu ka hadlay liiska musharaxiinta ee uu markii hore lambarka koowaad kaga jirey iminkana uu kaga jiro lambar 14, wuxuuna yidhi “Maalmihii ina dhaafay waxay dad badani iswaydiinayaan tolow maxaa Xasan-Gadhweynihii lambar kowga ahaa lambar afar iyo toban ku qoray, laakiin aniga hadii xubinta u dambaysta ku cadhoon-maayo oo ku tegi maayo ee ninkasta oo ka taga ama ka cadhooda aniga uun buu iigu imanayaa xisbiga UDUB, magacayguna waa UDUB, Berbera waxay u baahan tahay tacmiir iyo wax loo qabto, laakiin uma baahna nin marna sii raaca, marna soo raaca”.

 

Ururka Somaliland Forum oo deeq waxbarasho siinaya arday

H

argeysa (Haatuf): Ururka Somaliland Forum oo ay ku bahoobeen qurba joog badan oo reer Somaliland ah ayaa sheegay inay deeq waxbarasho dhowaan siin doonaan 32 arday oo ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadaha Somaliland, sidaana waxa sheegay Dr. Axmed Xuseen Ciise oo xubin ka ah ururka Somaliland Forum.

Deeqdan waxa la siinayaa 32 arday ee ugu dhibco badnaada jaamacadaha xili waxbarasheedka foodda inagu soo haya, waxaana xulista ardaydaa loo saari doonaa guddi ka kooban labada jaamacadood ee Hargeysa iyo Boorame iyo saddex xubnood ka tirsan Somaliland Forum, waxayna xubnaha Somaliland Forum kala yihiin Qaniya Ismaaciil Aadan (Maraykan), Axmed Xuseen Ismaaciil (Sucudiga) iyo Xuseen Wadaadyare (Sweden).

Waxa kale oo la sheegay inuu ururka Somaliland Forum jaamacadda Hargeysa dhowaan siin doono kaalmo kale ee dhinaca Laybareeriga ah (kutubta).

 

Ururka ASAD iyo ololahiisa doorashada

T

oronto- Kenada: urursiyaasadeedka ASAD ayaa toddobaadkan xafiis ka furtay magaalada Toronta ee dalka Kenada, waxaana xafladii xafiiskaa lagu furay taageerayaashiisa kala hadlay gudoomiyaha ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo hadda socdaal ahwleed ku maraya debedaha, wuxuuna Saleebaan         ugu horayn taageerayaashiisa uga waramay xaaladda guud ee ay Somaliland ku sugan tahay waqtigan xaadirka, isaga oo dadka debedaha ku guubaabiyey sidii ay uga qayb qaadn lahaayeen dhismaha iyo horumarinta dalkooda, mar labaadkana waxa uu ugu waranay ujeedooyinka iyo barnaamijka urukiisa, waxaana kulankaa qaban-qaabadiisa lahaa Mustafe Cabdi Cartan oo ah xidhiidhiyaha waqooyiga Ameerika ee ururka ASAD.

Dhinaca kalena olole siyaasadeed oo ay qaar ka tirsan hogaamiyayaasha ururka ASAD ka wadeen degaamada Berbera iyo Sheekh ilaa toddobaadkii ina dhaafay waxay xafiisyo cusub ka furteen magaalooyinka Berbera iyo Sheekh,

Sida uu sheegay mudane Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan ururka ASAD, isla markaana mudane ka tirsan golaha wakiilada Somaliland waxa uu ururka magaalada Berbera ka furtay 4 xafiis, sidoo kale magaalada Sheekh-na hal xafiis, waxayna xubnaha ASAD munaasibadahaa ay Xafiisyada ku furteen k jeediyeen khudabdo ay kaga waramayaan barnaamijka iyo mabaadi’ida ururkooda, iyadoo ay taasi qayb ka tahay ololaha ay ururada siyaasadda Somaliland hadda ka wadaan dalka, taas oo ay isugu diyaarinayaan doorashooyinka dawladaha hoose ee la filayo inay dalka ka dhacaan badhtamaha bisha Diisambar ee foodda inagu soo haysa.

 

 

Axmed Siilaanyo oo u baqoolay Sanaag

H

argeysa (Haatuf): Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay u kicitimay gobolada bariga Somaliland, waxayna weftiga socdaalkooda ku simi doonaan ilaa gobolka Sanaag, iyadoo ay taasi qayb ka tahay ololaha siyaasadeed ee ururka KULMIYE ku doonayo inuu ku hanto taageerayaal badan.

Gudoomiyaha ururka KULMIYE, Axmed Siilaanyo iyo weftigiisu waxa ay ka bixitimeen magaalada Hargeysa oo ay iyada lafteeda toddobaadadii ina dhaafay ka wadeen ololayaal dhinaca siyaasadda ah, waxayna wararku sheegeen inuu weftiga KULMIYE socdaalkiisan ku tegi doono magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag iyo degmooyinka kale ee gobolka Sanaag, laakiin lama oga inta uu qaadan doono safarka weftiga KULMIYE ee gobolada bari.