HAATUF NEWS

Issue: 214________________________________Date: 1 –12-2002

 

 

Maxaa Laga Yeelay Markabkii Duqeeyay Dekedda Berbera

 

B

erbera (Haatuf):- Markab xamuulka qaada ayaa maalintii Arbacadii jiidhay oo dhaawac gaadhsiiyay dhismaha Dekedda Berbera.

Warka ku saabsan dhaawaca uu u geystay markab nooca loo yaqaan Bangaariga oo magaciisa la yidhaa Wise King, waxaa ka soowaramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, weriye C/raxmaan X. Daahir (Casaan), oo soo sheegay in shilkaasi uu ku dhacay subaxnimadi Arbacadii qaybtii Dekedda Berbera ee uu dhisay Ruushku sannadkii 1968-kii oo uu ku dhuftay afka hore ee maraakiibta noocaasi ay iskaga riixaan barafka iyo wixii ka horyimaada ee loo yaqaan (Bol Bous Bow), taas oo markabkaasi gaadhsiiyay dhaawac fudud qaybtaas dekedda oo dhererkeedu yahay (300m).

Sida la og yahay waxaa qaybta kale ee dekedda Berbera oo la dhisay sannadkii 1984, waxaan dhistay shirkadda MBK, qaybtaas oo uu sannadkii 2000 dhaawac gaadhsiiyay markabka lagu magacaabo MV-Yale Navee, markabkaas oolagu xukumay ganaax lacageed.

Maareeyaha dekedda Berbera, Eng. Cali Xoor-xoor, ayaa weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil uga waramay khasaaraha gaadhay markabkaas, waxaanu sheegay Eng. Cali Xoor-xoor, in khasaaraha markabkani u geystay dekedda Berbera uu yahay mid aad u sahlan marka la barbar-dhigo kii gaadhay dekeddaas sannadkii 2000, iyo in dilaaca soo gaadhay dekedda shilkan Arbacadii awgeed uu yahay dhererka hal mitir, ballacana 7cm.

Warkani wuxuu intaa ku daray in markabkaasi uu ka diiwaan-gashan yahay dalka Pakistan iyo in maamulka dekedda Berbera uu ku wargeliyay kabtankii markabkaa inuu eego, sawirna ka qaado khasaaraha uu markabkaasi u geystay dekedda Berbera.

Maalintii shalay waxaa ka socotay dekedda Berbera halkii ku beegnayd ee uu markabkaasi gaadhsiiyay dilaaca, hawshaas oo ahayd dib u dhis sida muuqatay waxba umuu dhimin duqayntaas hawl-maalmeedkii dekedda oo shalay si caadi ah uga socotay dekedda Berbera.

 

 

UN

UN Resident & Humanitarian Coordination Office For Somalia (Nairobi) – Kulan ay ka qaybgaleen hay’adaha xidhiidhka gar-gaarka ee Somalia (Consolidated Inter Agency Appeal For Somalia), ayaa ku baaqay in dunidu ay ugu yaboohdo 78 milyan oo dollar, si loogu qabto mashaariic lagu caawiyo Somalida.

Kulankaas oo shalay ka dhacay Nairobi waxaa lagu falanqeeyay 56 mashruuc oo 14 ka mid ah ay soo diyaariyeen hay’adaha Qaramada Midoobay, saddex mashruucna hay’adaha aan dawliga ahyn (NGO), oo marka la isku daro ku kacay lacag dhan $77,824,105, sannadka 2003.

Guud ahaan Somaliya hawlaha samofalka benii’aadanimada iyo kuwa dib u dejintu waa kuwa looga baahan yahay in lagu badbaadiyo nolosha dadka ku nool halkaas, iyada oo horumar laga sameeyo raashinka laga heli karo dhulkaas, caafimaadka iyo hawlaha adeega nadaafada, hawlaha daryeelka dadka liita, qaxootiga dib ugu soo noqday baradoodi, dadka baro-kacay iyo dadka laga tirada badan yahay (minorities), taageerista dhismaha maamulo wanaagsan (good governance), kobcinta nabadda iyo dib u kabista dhaqaalaha.

Warkani wuxuu intaa ku daray in baaqaas lagu daray tilmaan ah inaan guud ahaan dhulki la isku odhan jiray Somaliya aan waxa looga baahan yahay ahayn oo qudha gar-gaar aadaminimo ee loo baahan yahay caawimo dhinaca horumarinta iyo soo kabista dadka noloshooda ah. Meelo qaar waxaa aad u saameeyay colaado, abaaro iyo fataha webiyada, halka degaanada qaarna ay ku jirto horumar la taaban karo dhinaca taabo-gelinta nabadgelyada ah iyo ka soo kabasho dhibaatooyinkii soo gaadhay ay ka jirto.

Madaxa fadhiga Qaramada Midoobay ee Somaliya, isla markaana ah Isu-duwaha hawlaha daryeelka banii’aadaminimo, Max Well Gaylard oo arrintaa ka hadlayaa wuxuu yidhi; (Arrintani waa mid lagu caawinayo rajada mustaqbalka, waxaan rumaysanahay in horumar lagu samayn karo nolosha Somalida, laakiin maalgelintii oo yaraatay ama deeqaha oo raaga soo gaadhidooda ayaa u muuqatay mid curyaamin karta hawlihii banii’aadaminimo, arrintaas oo saamayn ku leh boqolaal kun oo ah dadka itaalk daran ee liita ah.”

Qaramada Midoobay hadda ereyga Somaliya waxay u isticmaashaa dhulkii la isku odhan jiray Somaliya oo ay ku jirto Somaliland, warbixintaas oo wargeyska Haatuf uu ka soo xigtay haweenayda warfaafinta u qaabilsan xafiiska UN/Somalia, Sonya Laurence Green, waxaa warbixintu xustay in Somaliya ka mid tahay 5-ta dal ee dunida ugu liita xaga horumarka oo 4-tii caruuraba mid ka midi uu dhinto inta aanu gaadhin 5-jir, meelaha qaarna ay nafaqo darada caruurtu gaadhayso in ka badan 39%, saddex meelood oo meelna aanay haysan biyo nadiif ah, halka kala-badhow badh ay ku nool yihiin degaano ay nadaafadu aad u liidato.

 

Mac-hadka waxbarasho

H

arg (Haatuf): Tartan aqooneeed uu qabanqaabiyay maamulka dugsiga luqadaha iyo waxbarashada ee Star (Star Institute of Languages, Accounting and Islamic Studies), ayaa Khamiistii la soo gebogebeeyay.

Mac-hadka Star oo ku yaala Hargeysa, waxaa wax ku barta 400 oo arday, waxaan dorraad soo gebogeboobay tartan ay ardaydu ku tartamayeen aqoontooda xisaabaadka.

Gebogebadii tartankaas waxaa halkaas hadallo ka soo jeediyay maamulaha mac-hadkaas, Axmed Muuse Sh. Muxumed, oo halkaas ardayda qaarkood ku guddoonsiiyay jaa’isado, isaga oo ku dhiirigeliyay dhinaca waxbarashada.

Waxaa kale oo isna hakaas hadalo dhinica waxbarashada iyo horumarinta mac-hadkaas ka soo jeediyay Cabdi-naasir Maxamed Warsame, hadalladaasi waxay mas’uuliyiinta mac-hadkaas ku xuseen inaan tartankan shalay xidhmay noqon doonin kii ugu dambeeyay ee ay Agaasimi doonaan tartame aqooneedka oo kale.

 

8-Xubnood Oo Ka Noqday Musharaxnimadii Deegaanka Hargeysa Ee Ururka SAHAN

.

H

arg (Haatuf):- Qoraal ay soo qoreen siddeed xubnood oo ka mid ahaa liiskii musharaxiintii Golaha Degaanka ee Hargeysa ayaa soo gaadhay wargeyska Haatuf, qoraalkaas oo sheegayay in xubnahaasi ay ka soo tanaasuleen musharaxnimadii oo ay iska casileen qoraalkaasi wuxuu u qornaa sidan;

“Annagoo ah xubnaha musharaxiinta ka ah ururka SAHAN, ee golaha degaanka Hargeysa, kana socda beesha Ciida-gale, waxaanu guddoomiyaha u soo gudbinaynaa is-casilaadayadan sababaha soo socda awgood:

1.      Annagoo u aragnay xaqiraad cad oo aad samaysay, markii liiskan musharaxiinta lambarkii koowaad ee Ciidagale xaq u lahaa Hargeysa gudaheed aad dhaafisay.

2.      Bedelaada liiski hore oo la beddelay, iyada oo aan nagala tashan, isla markaana miisaankii beesha wax qanciya la siinin.

Sidaasi darteed, annagoo aan hayn wax qanciya cod-bixiyeyaasha beesha, waxaanu go’aansanay inaanu dhammaantayo iska casilno musharaxnimadii haddi aan nala siin lambarka koowaad.

 

Magacyada xubnaha saxeexay.

1.      Maxamed Muuse Hawleh

2.      Yuusuf Cabdi Faarax

3.      Cali Gacayte Nuur

4.      Raxma Aadan Maxamuud

5.      Aadan Cilmi Warsame

6.      Jaamac Maxamed Askar

7.      Cabdi Muuse Dawaaf

8.      Cabdi Cismaan Garaw.

 

Xubno Ka Jabay

 UDUB  Oo Ku Biiray HORMOOD

H

arg (Haatuf):- Guddoomiyihii ururka UDUB ee degmada Maxamuud Haybe oo ka tirsan Hargeysa, isaga oo hor-kacaya madaxdii laamaha urrka UDUB ee degmadaasi ayaa xalay ku dhawaaqay inay ka baxeen ururka UDUB, kuna biireen ururka HORMOOD ee uu musharaxa ka yahay Cumar Carte Qaalib, waxaanay sidaa ku sheegeen shir-jaraa’id oo ay xalay ku qabteen guriga Cumar Carte ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay goob-joog ka ahaayeen madaxda ururka HORMOOD oo si diiran u soo dhoweeyay xubnaha kasoo jabay UDUB ee ku soo biiiray ururka HORMOOD.

“Anagoo ahayn hawlwadeenadii ururka UDUB ee degmada Maxamuud Haybe, kana mid ahayn dhallinyaradii kaalinta weyn ka soo qaatay aas-aaskii ururka UDUB markii aanu eegnay dhaliilaha badan ee ka jira ururka dhexdiisa, iyo iyada oo uu burburay xeerkii ururka u yaalay, meeshana ay ka baxday tixgelinti ay lahaayeen xubnaha ururku waxaanu garanay inaanu u guurno meel ay taalo aqoon iyo waayo-aragnimo siyaasadeed,” sidaa waxa yidhi Wali Daa’uud Nuur oo madax ka ahaa qaybta maamulka UDUB ee degmada Maxamuud Haybe oo xalay ka hadlayay shirkaa jaraa’id , waxaanu intaa ku daray “Markii aanu arrintaa aad u baadhnay waxaanu isla garanay inaanu ku biirno ururka HORMOOD oo aanu hoggaankiisa u aragnay inuu leeyahay khibrad iyo aqoon dalka ka saari karta xaaladdan uu ku jiro, taas oo aanu taageero kaga haysano dhammaan xubnihii ururka UDUB ee degmada Maxamuud Haybe (Ex-Gurya-samo).”

Ugu dambayntiina Wali Daa’uud wuxuu madaxda HORMOOD u soo jeediyay inay noqdaan kuwii ka daweyn lahaa dhibaatada ay kaga soo baxeen UDUB isaga oo ballan-qaaday inay iyaguna si daacadnimo ah ula shaqayn doonaan.

Kadib waxaa shirkaa jaraa’id ka hadlay musharaxa ururka HORMOOD Cumar Carte Qaalib oo si weyn u soo dhoweeyay xubnaha ka yimid UDUB ee ku soo biray ururkooda; “Waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa xubnaha fir-fircoonaa ee hore uga tirsanaa UDUB ee gartay inay nagu soo biiraan aad iyo aad baanan u soo dhoweynayaa uguna faraxsanahay,” ayuu yidhi Cumar Carte Qaalib isaga oo soo dhoweynaya xubnaha ku soo biiray ee hore uga tirsanaa UDUB.

Waxaanu doonaynaa inaanu dalkayaga si daacad ah ugu shaqayno oo aynu gaadhsiino safarka adduunka oo aad inooga fogaaday, markaa cid kasta oo garata mabda’an aanu ku socono waanu soo dhoweynaynaa, si aynu dalkeena ugu wada-shaqayno,” ayuu intaa ku daray Cumar Carte, isaga oo ballan-qaaday inay wax la qaban doonaan xubnaha ku soo biiray.

Waxaa iyaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay xoghayaha guud ee HORMOOD iyo Af-hayeenka ururkaasi oo labaduba soo dhoweeyay xubnaha ku soo biiray.

Axmed Sandoon oo ah Af-hayeenka ururka HORMOOD waxa uu si gaar ah u sheegay in aanay aqbalin inay xubnahani ku soo biraan ilaa ay is-casilaadooda u gudbiyeen madaxda UDUB, balse waxa uu ku eedeeyay madaxda UDUB, gaar ahaana madaxweyne Daahir Rayaale in uu qaabilay dad sheegtay inay xubno ka ahaayeen ururkii BIRSOL ee uu isagu guddoomiyaha ka ahaa, taas oo uu ku tilmaamay inay meel ka dhac ku tahay dimuqraadiyadda.

Arrintani waxay ku soo beegantay iyada oo uu Cumar Carte xalay ka furay degmada Maxamuud Haybe xarun uu ururka HORMOOD ku yeelanayo degmadaasi.

 

 

UN-Habitat Oo Dhismaha Suuq Ganacsi Ka Bilowday Berbera

B

erbera (Haatuf): Waxaa ka socda xarunta gobolka Saaxil ee Berbera dhisme suuq ganacsi badhtamaha magaaladaasi.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil C/raxmaan X. Daahir oo ka soo waramay dhismaha suuqaas oo ay D/Hoose ee Berbera ka rartay dadkii deganaa si loo dhiso iyaga oo la dejiyay meel kale oo ay ku sii ganacsadaan waxa gacanta ku haysa dhismahaa hay’adda UN-Habitat, waxaanu ka mid yahay mashaariic ay hore hay’addaasi qorshaysay in ay ka fuliso magaalada Berbera, iyada oo UN-Habitat hore u dhamaystirtay dib-u-hagaajinta iyo qalabaynta xarunta maamulka ee Berbera lagu sameeyay.

Goobta ay suuqa ka dhisayso UN-Habitat ee Berbera waxa laga xaadhay qashin aad u tiro badan oo halis ku ahaa caafimaadka magaalada iyo bilicdeedaba.

Weriye C/raxmaan X. Daahir, wuxuu intaa ku daray in hay’adda Habitat ay hore uga fulisay Berbera mashruuc lagu horumariyay qorshaha dhulka (town plan).

Xarunta D/Hoose ee Berbera oo ay dib u dhistay UN-Habitat ayaa leh muuqaal ka qurux badan sidii ay ahayd goobtaasi dib-u-dhiska kahor ay ku samaysay UN-Habitat iyo qalabaynta xafiisyada xaruntaas.

Dhismaha suuqa cusub ee Berbera ay ka dhisayso hay’adda Habitat waxaa la rajaynayaa inuu wax ka qabto dad ku ganacsada goobo cooshado ah oo magaaladaas u leh dhibaatooyin ay ka mid tahay bilic-xumo.

 

 

Marxaladda Doorashada Iyo Kulankii Doodda Suxufiyiinta

H

argeysa (Haatuf): Dood-cilmiyeed muddo saddex maalmood ah socotay oo ay ka qayb galeen ilaa dhawr iyo labaatan suxufi oo ka kala socda qaybaha iyo hayadaha kala duwan ee saxaafadda Somaliland ayaa khamiistii toddobaadkii ina dhaafay (28-kii Nofembar) lagu soo gebagebeeyey magaalada Hargeysa.

Dood-Cilmiyeeddan oo ay wada jir u soo qaban-qaabiyeen saddex hayadood oo samafal ah oo kala ah: ICD, PENHA iyo FOPAG waxa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana mudadii uu socday lagu qaadaadhigay mawduucyo la xidhiidha marxaladda xasaasiga ah ee xiliga doorashooyinka iyo isbedelada siyaasadda lagu jiro iyo doorka ay saxaafaddu ka qaadan karto, taas oo ay suxufiyiintii dood-Cilmiyeedaa ka qayb qaatay iswaydaaradeen aragtiyo iyo macluumaad la xidhiidha xiliga lagu jiro iyo saamaynta ay saxaafaddu ku yeellan karto marxaladdan xasaasiga ah ee xiliga doorashooyinka, iyadoo ay geedisocodka doodda daadihinayeen hawl-wadeeno ka kala socda saddexdaa hayadood iyo weliba rag kale oo khibrad u leh arimaha saxaafadda.

Mudadii ay dooddu socotay duruufo dhinacyo badan leh oo saamayn ku yeellan kara suxufiga iyo saxaafadda ayaa lagu gorfeeyey madashii kulanku ka socday, isla markaana waxa aad la isula jeex-jeexay kaalinta ama doorka ay saxaafaddu ka qaadan karto hawlaha doorashooyinka, taas oo la isla tilmaamay xasaasiyadda marxaladda doorashooyinka iyo feejignaanta looga baahan yahay ninka suxufiga ah iyo saxaafadda guud ahaan, waxaana gebagebadii doodda lagu go’aamiyey ilaa toban qoddob oo tilmaamaya dhaqanka iyo anshaxa adeeg ee suxufiga iyo saxaafadda, kuwaas oo la isla gartay in inmuddo ah oo ugu yaraan ku siman ilaa mudada ay socdaan hawlaha doorashooyinku si ku meel-gaadh ah ay beesha saxaafadda Somaliland ugu sii dhaqanto, iyadoo ay tobankaa qoddob si guud u tilmaamayaan ilaalinta anshaxa suuban ee saxaaafdda iyo kaalinta dhexdhexaadnimo ee looga baahan yahay saxaafadda iyo weliba feejida looga baahan yahay marxaladdan hadii ay tahay hay’adda (Institution) iyo hadii ay tahay hawl-wadeenka saxaafadda labadaba.

Qoddobadaana waxa uu nuxurkoodu ku salaysana inay saxaafaddu feejigo dheeraad ah ka yeelato marxaladda xasaasiga ah ee xiliga doorashooyinka iyo inay dhexdhexaadnimo iyo dul-qaad ka muujiso xasaasiyadda marxaladda doorashooyinka iyo sawaxanka badan ee ururada iyo dhinacyadda siyaasadda ee hirdamaya loollanka siyaasadda hadii ay ta dawliga ah iyo hadii ay tahay ta Madaxa banaan dirkaba.

Arimaha kale ee gebagebadii kulankaa lagu soo qaaday waxa ka mid ahaa duruufaha haysta suxufiyiinta iyo guud ahaan goobaha wax soo saarka Somaliland, waxaana markii laga hadlayey dhibaatooyinka iyo duruufaha bahda saxaafadda haysta farta lagu fiiqay dhibaatooyin dhinacyo badan leh, sida: dhaqaalexumo, qalab la’aan, dhibaatooyin dhinacyo badan leh oo ay kala kulmaan hawl-gudashadooda IWM.

Sida la ogyahay saxaafadda Somaliland ma laha urur-saxaafadeed kulmiya sidaa darteed  waxa kulankaa lagaga hadlay qoddob ku saabsan maqnaanshaha urur-saxaafadeed, iyadoo halkaa lagu gorfeeyey baahida loo qabo in la sameeyo urur saxaafadeed. Hase yeeshee waxay doodi ka abuurrantay sida iyo dariiqa loo marayo samaynta ururkaa, waxayse xubno suxufiyiinta ka mid ahi soo jeediyeen in mustaqbalka la qabto kulan ay bahda saxaafaddu u dhan tahay, halkaana lagu go’aamiyo samaynta iyo aayaha ururka saxaafadda, hindisahaasina waxa uu noqday mid si weyn loogu guuxay.

Inkasta oo ay qaar suxufiyiinta ka tirsani xuseen inay hadda jiraan dad ku hawlan samaynta urur saxaafadeed, hadana taasi ma noqon mid inta badan suxufiyiinta ku filaatay, waxaana loo arkay mid aan la wada ogayn ama loo dhamayn, taas oo hadhaw dhibaatadeeda yeellan karta, sidaa darteed waxay aragtidu u badatay  inay daruuri tahay kulan guud oo ay u dhan yihiin qaybaha iyo bahda saxaafaddu in lagu abyi karo urur-saxaafadeed oo tifaftiran, taas oo macnaheedu yahay inay samaynta urur saxaafadeed ku filayn qayb ama koox gaar isu abaabushay. “Waa inay samaynta ururka saxaafadda kulan guud ka yeeshaan dhammaan suxufiyiintu oo ay xataa ka soo qayb galaan weriyayaasha goboladu, hadii kale oo ay kooxi urur ku dhawaaqdo, waxa imanaysa koox kale oo iyana urur ku dhawaaqda, taasna waxba kuma hagaagayaan”sidaa waxa ku dooday Shukri Xariir oo ka mid ahayd suxufiyiintii kulankaa ka qayb galay, aadna uga hadashay baahida loo qabo samaynta urur-saxaafadeed.

Mawduucyada kale ee dood cilmiyeedkaa lagu lafaguray waxa ka mid ahaa waajibaadka laga rabo masuuliyiinta iyo maamulada dawladda, hadii ay tahay dawladda dhexe iyo hadii ay tahay dawladaha hoose, kuwaas oo la isla tilmaamay waajibka shilis ee maamulayaasha dawladda ka saaran adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta dadkoooda iyo dalkooda, laakiin waxa iyana farta lagu fiiqay dayaca weyn ee ka muuqda doorka adeeg ee maamulayaasha dawladda. Sidoo kale waxa qoddobada halkaa lagu gorfeeyey ka mid ah doorka ay dadweynuhu ku leeyihiin marka laga hadlayo aayahooda, laakiin waxa la isla tilmaamay inaanay u bislayn inay la xisaabtamaan cidda ay u igmadeen danahooda guud, sidaa darteed loo baahan yahay in wacyigooda kor loo qaado. Sidoo kale waxa la isla tilmaamay sida aanay siyaasiyan dadweynuhu u bislayn, taas oo iyana la is tusay inay tahay baahi weyn oo muuqatay sidii loo korin lahaa wacyiga siyaasadeed ee mujtamac-weynaha Somaliland.

 

“Dad Badani Waxay Is Weydiinayaan Xasan-Gadhweynihii Lambar Kowga Ahaa Maxaa Lambar 14 Ka Dhigay”

UDUB Iyo Fagaaraha Khayriyadda Berbera____________________

B

erbera (Haatuf): Musharaxiinta dawladaha hoose ee degaanka gobolka Saaxil ayaa Arbacadii toddobaadkii hpre (27-kii Nofembar) dadka reer Berbera kala hadlay fagaaraha la yidhaahdo 26-ka Juun, waxaana halkaa isugu soo baxay dadweyne tiro badan.

Khud-badda ay musharaxiinta iyo taageerayaasha ururka UDUB u jeediyeen dadka reer Berbera waxay qayb ka tahay olole weyn oo uu ururka UDUB toddobaadkan halkaa ka bilaabay, taas oo ay ugu xusul-duuban yihiin sidii ay u kasban lahaayeen taageerada dadweynaha, isla markaana uga soo kaban lahaayeen dhaawaca ka soo gaadhay khilaafaad siyaasiya oo saameeyey gudaha ururka UDUB.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir ayaa war-bixin nooga soo diray ololaha uu ururka UDUB ka wado gobolka Saaxil, xaruntiisa Berbera iyo saamaynta uu ku yeeshay dadka degaankaa, wuxuuna war-bixintiisa ku bilaabay:

“Isu soo baxa fagaaraha 26-ka Juun oo ay soo abaabuleen xubnaha musharaxiinta golayaasha degaanka dawladaha hoose iyo taageerayaasha ururka UDUB waxa isugu yimi dadweyne badan, waxayna taasi ku soo beegantay xili ay dadku daawanayaan loollan k dhexeeya xubnaha musharaxiinta ururka UDUB oo aad moodo inuu ka dhexeeyo xadhig jiidad iyo is-garbin..

Markii hore falkinta iyo kala hagidda siyaasadaha iyo dhaqdhaqaaqayada ururka UDUB ee gobolka Saaxil waxa shidhka ugu jirey oo hormuud ka ahaa Xasan-Gadhweyne oo isku hayey labada jago ee maayarka Berbera iyo badhasaabka gobolka Saaxil, wuxuuna Xasan liiskii u horeeyey ee musharaxiinta ururka UDUB ee degaanka Saaxil kaga jirey lambarka koowaad, laakiin waqti dambe ay hogaanka sare ee UDUB soo saareen waxa uu kaga jiraa meel aad u dambaysta, waxaana lambarkiisii lagu bedelay Cabdalle Maxamed Carab, waxayna Cabdalle iyo xubno kale oo cusubiba si firfircoon uga dhex-muuqdaan ololaha cusub ee hadda ka socda gobolka Saaxil..

Ninka hadda kumeelgaadhka u sii haya xilalka maayarka Berbera iyo badhasaabka Saaxil, Maxamed Axmed Xasan ayaa ugu horayn isu soo baxa fagaaraha 26-ka Juun ka hadlay, wuxuuna halkaa ka jeediyey hadal wacyigelin iyo baraajujin u badan. “Qofkasta waxa la gudboon inuu xil iska saaro sidii uu u gudan lahaa wixii waajib ah ee dhiniciisa saaran”ayuu yidhi Maxamed Axmed Xasan.

Gudoomiyaha xafiiska UDUB ee Berbera, Siciid C/laahi Yaasri oo ay hareeraha joogaan xubnaha musharaxiinta ururka UDUB ee degaanka Saaxil ayaa isna faagarahaa ka ahdlay, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Waxaan doonayaa inaad isu miisaantaan musharaxiinta ururada kale iyo musharaxiinta ururka UDUB ee hortiina taagan oo aan filayo inay yihiin kuwo idin anfaca inaad tayadooda eegtaan, anaga oo jecel inaad dawladiina iyo xisbiga UDUB nala doorataan”.

Waxa kale oo isna halkaa aka hadlay Cabdalle Maxamed Carab oo ah ninka lambarka koowaad ku qoran, wuxuuna yidhi “Dadweynow kuwa aad xilka u dhiibanaysaan waa inaanay noqon kuwo ku naax-naaxa cashuurta laga soo ururiyo hooyada sariibadda fadhida, ninka aad xilka u dhiibanaysaana waa inaad kuraasta cadiirka ah isugu timaadaan”. Sidoo kale waxa isna fagaarahaa ka hadlay badhasaabkii hore ee gobolka Saaxil, isla markaana ahaa maayarkii Berbera, Xasan Gadh-weyne, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “Waa ilaahay mahadii mar hadii aan fiursad u helay inaan halkan idinkala hadlo aniga oo qof caadiya, kana mid ah musharaxiinta ururka UDUB, waayo wax badan ayaan halkan idinkala ahdlay iyadoo uu xil i saaran yahay”, laakiin wuu sii waday hadalka wuxuuna aad ugu dheeraaday duruufihii uu soo maray iyo waxyaalihii u qabsoomay mudadii uu isku hayey labada xil ee maayarka Berbera iyo badhasaabka Saaxil. Hase yeeshee waxa uu markii dambe u weekday dhinaca ururka UDUB iyo xaaladiisa, wuxuuna yidhi “UDUB waa mudankii axsaabta, waxaadse moodaa inay qaar aasaasayaashii ururka ka mid ahi hadda cadho kaga maqan yihiin, kuwaas waxaan leeyahay walaalayaal noo kaalay idinkama maaranee”., laakiin Xasan-gadhweyne waxa uu ka hadlay liiska musharaxiinta ee uu markii hore lambarka koowaad kaga jirey iminkana uu kaga jiro lambar 14, wuxuuna yidhi “Maalmihii ina dhaafay waxay dad badani iswaydiinayaan tolow maxaa Xasan-Gadhweynihii lambar kowga ahaa lambar afar iyo toban ku qoray, laakiin aniga hadii xubinta u dambaysta ku cadhoon-maayo oo ku tegi maayo ee ninkasta oo ka taga ama ka cadhooda aniga uun buu iigu imanayaa xisbiga UDUB, magacayguna waa UDUB, Berbera waxay u baahan tahay tacmiir iyo wax loo qabto, laakiin uma baahna nin marna sii raaca, marna soo raaca”.

Sida ay wararku sheegeen dhaqdhaqaaqa xubnaha ururka UDUB toddobaadkii ina dhaafay wuu ku badnaa degaamada gobolka Saaxil, waxayna dadka qaar ku tilmaameen dardar cusub oo ay reer doonayaan inay kaga soo kabtaan diiftii iyo hoos u dhacii ka soo gaadhay khilaafkii dhowaan ka dilaacay hogaanka sare ee ururka, taas oo inkasta oo uu hadda sawaxankiisu damay, hadana la aaminsan yahay inay arimidiisu sii jirto.

 

Xaaladda doorashadu maxay ku dambayn

D

alka Ivery Coasta (Ayfari Koosti) oo ku yaal Afrikada galbeed waxa labadii sannadood ee u dambeeyey ka oognaa qalasaase siyaasadeed iyo dagaalo faraha lagaga gubtay oo ay kumanaan qof ku naf-waayeen, kumanaan qofna ku barakaceen, dagaaladaas oo maanta maraya heerkii ugu xumaa waxay ka kaceen ismariwaa ka dhashay doorashooyin dalkaa laga qabtay sannadkii 2000, waqtigaas oo nin musharax doorashada laga baabi’iyey, taasina ay keentay inay ka cadhoodan beesha uu dhalasho ahaan ka soo jeedo iyo taageerayaashiisii, halkaana waxa ka huray qalalaase sababay inay milaterigu inqilaabaan talada, laakiin arintu way siii socotay oo taliskii milateriga ahaa ayaa isna mar kale dabayaaqadii 2001qabtay doorashooyin kale, laakiin kuwaasina ma noqon kuwo lagu qanco, waxayna kabriidka ku qabteen rabshado siyaasadeed iyo dagaalo dhiig badani ku daatay, waxayna dagaaladaasi mar kale isu sii bedeleen dagaalo diimeed iyo kuwo qabiil, waxayna marayaan meel xun.

Sidoo kale rabshadihii siyaasadeed iyo dagaaladii ba’naa ee intii u dhexaysay sannadihii 2001ilaa 2002 ka holcay jasiiradda Madagaskar ee ku taal badweynta Hindiya waxay ka hureen doorashooyin la qabtay oo natiijadoodii la isku waafaqi waayey, ka dibna hubka la isu gurtay, ka dib markii ay labadii nin ee kala hogaaminayey labadii xisbi ee tartamay uu mid waliba goonidiisa u sheegtay inuu doorashada helay sidaa darteedna uu yaha madaxweynaha sharciga ah ee dalkaa, dhibaatadii dalkaa ka hurtayna inkasta oo marar badan xal nabadgelyo lagu soo dabaalay ilaa maanta arimideedii way qiiqaysaa.

Rabshadihii siyaasadeed iyo dagaaladii mudada socday ee dalka Kenya ee bariga Afrika ka dhacay sannadkii 1992-kii waxay iyaguna ka bilaabmeen doorashooyin dalkaa laga qabtay, taas oo ay mucaaradka iyo dawladdu warmaha isu gurteen, ka dib markii ay mucaaradku ku dacwiyeen in lagu shubtay, taasina waxay keentay dagaalo dhiig badani ku daatay.

Dalka Al-jeeriya oo ku yaal waqooyiga Afrikada ayey doorashooyin ka dhacay sannadkii 1992-kii sababeen dagaalo riiq-dheeraaday oo socday toban sanno-kudhowaad, waxayna dagaaladaasi qarxeen markii xisbi la odhan jirey FIS oo helay doorashada ay milaterigu baabi’iyeen guushiisii doorashada, ka dibna ay hubka qaateen, laakiin xisbigii oo markii hore ahaa xisbi siyaasiya waxa oo markii dambe isu rogay jabhad hubaysan oo la yidhaahdo JIA. Dagaaladaasina inkasta oo ay hadda yara qaboobeen waxay galaafteen dad gaadhaya ilaa 60’000 oo qof (Lixdan kun oo qof).

Sidoo kale dalka Jabuuti ayey isna sannadkii 1999-kii ka dhaceen doorashooyinkii madaxweynaha, waxaana soo baxay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, laakiin doorashooyinkaasi inkasta oo ay qabsoomeen, hadana ma noqon kuwo turxaan la’, sidaa cilladdii ka dhalatay inqilaabkii dhicisoobay ee dalkaa ka dhacay 7-dii Diisambar sannadkii 2000. Inqilaabkaas oo uu hogaaminayey janaraalkii ciidamada booliska Jabuuti, janaral Yaasiin Yaabe Galab inkasta oo uu dhicisoobay, hadana waxa uu sababay iska hor-imaad milateri oo maalmo hadheeyey xasiloonida iyo atmosfeerka siyaasadeed ee dalka Jabuuri, iyadoo janaralkii inqilaabka hogaaminayey xabsiga loo taxaabay, wuxuuna janaral Yaabe aakhirkii ku dhintay xabsiga dhexdiisa. Laakiin marka laga yimaado dunida Afrika ee aynu qabano xagaa iyo dunida reer galbeedku ee lagu majeerto inay horumar weyn ka gaadheen nidaamka dimoqraadiyadda loo yaqaan ee ku salaysan inay isbedelada siyaasaddu ku yimaadaan habka doorashada, waxaynu ognahay mushkiladaha waqti aan fogayn  ay kala kulmeen kuwooda ugu quwadda weyni  doorashooyin ay qabteen.  Tusaale ahaan dalka Maraykanka doorashooyinkii madaxweynaha ee uu qabtay sannadkii 2000 ayaa dhalisay muran xoog leh oo si weyn u gil-gilay xaalka Maraykanka, arintaas oo inkasta oo markii dambe la gaadhay go’aan lagu soo afjaray khilaafkii ba’naa ee ka dhex-aloosmay labadii musharax (Bush & Algore), hadana ra’yul-caamka dunidu aaminsan yahay inay eel-weyn reebtay.

Lixdan dal ee aynu soo xusnay waxay tusaale u yihiin wadamada ay dhinaca afka leh ugu dhacday mindada labada af leh ee qabashada doorashooyinka isbedelada siyaasaddu, laakiin dhinaca kalena dalal badan oo dunida ah ayaa ku guulaytay inay dhinaca wacan ugu dhacdo, waxaana dalalkaa caynkaas ah lagu majeertaa inay horumar ka gaadheen dhinaca siyaasadda, taas oo ay dadku ku guulaysteen inay goor walba doortaan madaxdooda.

Laba toddobaad oo qudha ayaa inaga xiga maalintii loo cayimay inay qabsoomaan dooraashooyinka dawladaha hoose, waxayna maalintaasi tahay 15-ka bisha Diisambar ee maanta kowda ah, iyadoo waxa la doonayaa yahay in Somaliland markii ugu horaysay isbedelka siyaasaddu ku yimaado hanaanka ku salaysan nidaamka xisbiyada badan, waxaana hadda garoonka dushiisa safan ilaa 6 urur-siyaasadeed oo uu mid waliba kabaha u iladay inaanay cidina ka orod badin, waxaana ururkasta hal-kudheg u ah “Xaaraam, waa habeen xalay tegay in layga orod badiyo”.

Dadka reer Somaliland cid aragta doorasho ku dhisan nidaamka xisbiyada badan waxa ugu dambaysay sannadkii 1969-kii, waqtigaas oo dal-weynihii Jamhuuriyaddii Somaliya laga qabtay doorashooyin, laakiin doorashooyinkaasi ma noqon kuwo la mahadiyey, waxayna sababeen dagaalo Ehliya oo meelo badan ka dhacay, isla markaana asaayihii doorashoyinkaasi waxa uu sababay inqilaabkii milateri ee dalkaa ka dhacay isla sannadkii 1969-kii. Sidaa darteed doorashooyinka Somaliland ee loo cayimay maalinta 15-ka Diisambar dadka la doonayo inay codkooda dhiibtaan 80% inka badan waxa laga yaabaa inaanay jirin ama garaad lahayn 1969-kii, taasina waxay marag u tahay inay nidaamkan iyo dadku qariib isku yihiin, sidaa darteed-na ay tahay wax la fili karo inay si hawl-yar wax u qaloocdaan.

Marka laga yimaado badawnimada xoogga leh ee dadka ka haysata nidaamkan waxa kale oo aan iyana la dafiri karin duruufaha shilis iyo qabyada dhinacyada badan leh ee ka gedfan qalqaalada doorashooyinka.

Laga soo bilaabo ku dhawaaqidii la soo noqoshada madax banaanida waxay isbedelada siyaasadeed ee Somaliland ku iman jireen shir-beeleedyo lagu soo doorto dawladda iyo madaxda dalka maamulaysa, laakiin hadda waxaad moodaa inay dadka badidiisu la huud-meen shir-beeleedkaa sababta waxay doonto ha ahaatee, waxayna dad badani door-bidayaan inay doorashooyinku dhacaan , iyaga oo u arka inuu yahay nidaam lagaga raysan karo nidaamkii shir-beeleedka ay taladu inyar gacanta ugu jirtay iyo weliba hab-dhaqan siyaadeedka ku salaysan muddo-kordhinta oo ay ururada iyo kooxaha mucaaradka ahi sas ka qabaan. Laakiin waa mindi laba af leh. 

 Dadka arimaha doorashada majaraha u haya iyo weliba dad badan oo dhinacyada siyaasadda ka mid ahi waxay leeyihiin “Bahasha yaan loo baqan way suurta gelaysaa ee ha lagu dhiirado”, taasina waxay tahay mawduuca keliya ee ilaa hadda la dhiir-gelinayo, loona faydan yahay ka gun-gaadhidiisa, laakiin hadana arintu ma werwer la’, waxayna aragtida werwerka qabtaa leedahay “Armay arintu inagu noqotaa dawacadii talaabadeediina ka tagtay, talaabadii nebigana gaadhi wayday”, iyadoo ay aragtidaa caynkaa qabtaa milicsanayso duruufaha  barnmaamijka doorashada ku gedfan. Waxa kale oo  qaar ka mid ah dadka arimaha siyaasadda ka faalloodaa odhaahahooda ka mid ah “Mar hadii aanu jirin  dariiq kale oo la isku waafaqsan yahay oo isbedelka xiliga loo mari karaa doorashada waa lagu khasban yahay, waxay doonto dhashee”.

Nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinku waa wax mudan mar hore iyo mar dambeba in loo guntado sidii looga midho-dhalin lahaa, waxaana qof kasta ku waajib ah inuu hareerta qabto, isla markaana doorashooyinka dawladaha hoose ee loo cayimay aynu u rajayno guul iyo kuwo naajaxa, laakiin yeynaan ilaawin xikmadda odhanaysa “Shar u toog hay, khayr waxba kuma yeelee”, taas oo macneheedu yahay “garanay inay doorashadu tahay nidaam loo riyaaqsan yahay, laakiin yaan lala kala xishoon in lays dareensiiyo duruufaha jira,  sidaa darteed yaan loo feejigo iyo talo la’aan arinta, inaga oo maanka ku hayna saxiirka ay doorashooyin ciladi gashay badeen dalalka badan oo dunida ah, isla markaana yeynaan ilaawin inaynu ka mid nahay dalalka Afrika ee musuqmaasuqa qaniga ku ah.

 

Salaadiinta Somaliland Oo Ka Hadlay Ilaalinta Nabadgelyada

H

argeysa (Haatuf): 21 xubnood oo golaha salaadiinta Somaliland ah ayaa shalay soo bayaan qoraal ah oo ay ururada iyo dhinacyada siyaasadda iyo guud ahaan ummadda reer Somaliland ugu baaqayaan inay ilaaliyaan deganaanshaha iyo nabadgelyada Somaliland, waxayna salaadiintani baaqooda ku saleeyeen marxaladda xasaasiga ah ee doorashooyinka foodda inagu soo haya.

Bayaanka qoraalka ah oo uu na soo gaadhsiiyey suldaan Ibraahin suldaan Jaamac Samatar isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:

“K a dib markii aanu qiimaynay marxaladda uu maanta dalku marayo, isla markaana aanu eegnay baahida loo qabo xaqiijinta himilada ummaddu ka dhursugaysay muddo dheer ee ah u tartanka doorashada xorta ah ee xilalka Qaranka iyo weliba markii aanu eegnay cadowga faraha badan ee inagu gadaaman qaran ahaan, waxaanu yeelanay kulamo is dabajoog ah oo aanu ku fallanqaynay arimahaa, waxaana kulamadaa ka soo baxay bayaankan ay qoddobadiisu hoos ku xusan yihiin;

1-     Jiritaanka, gooni isu taagga iyo distoorka Somaliland waa lama taabtaan.

2-     Nabadgelyadu waa aasaaska jiritaanka iyo seeska nolosha, waana ta aynu ku caano maalay caalamkuna inagu tixgeliyo, isla markaana aynu kaga duwanahay wadamo badan oo aqoonsi iyo awood dhaqaaleba leh, markaa waa inaynu ilaashanaa nabadgelyada hadii ay tahay xukuumadda, axsaabta siyaasadda ee tartanka doorashooyinka u taagan iyo bulsho-weynta Somaliland si aynu ugu guurno habka aynu geediga u nahay ee Axsaabta badan. Sideedaba nabadgelyadu  wax gorgortan geli kara ma aha, lagamana aqbalayo cid kasta oo nabadgelyada wax u dhimaysa, waxaanuna xoogayaga isugu geynaynaa sidii loo ilaalin lahaa nabadgelyada dalka.

3-     Golaha salaadiintu waxa uu cadaynayaa inuu dhex-dhexaad ka yahay arimaha siyaasadda iyo doorashooyinka oo aanu dhinacna garab siinayn”ayey ku soo xidheen qoraalkooda, waxayna salaadiinta bayaankan saxeexay magacyadoodu kala yihiin:

1-     Suldaan C/laahi suldaan Cali.

2-     Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

3-     Boqor Maxamud Cali Carab

4-     Suldaan Maxamed Suldaan diiriye

5-     Suldaan Sh. Muuse Jaamac Goodaad

6-     Suldaan Cismaan Suldaan Cali

7-     Suldan Maxamed Suldan C/qaadir

8-     Suldan Ibraahin Suldan Jaamac

9-     Suldan Maxamed Suldan Xirsi-qani

10- Suldaan Maxamuud Guuleed Mire

11- Suldaan Yuusuf Axmed  Cadan

12-  Suldan Rashiid Suldaan Cali Ducaale

13-  Suldan Maxamuud X. Xuseen

14- Suldan Barre X. Xuseen

15- Suldaan Maxamed Xadi Axmed

16- Suldan Maxamuud Axmed Sheekh

17- Suldan Xasan Suldan Nuur Askar

18- Suldan Axmed Daahir Muuse

19- Suldan Axmed Nuur Samaale

20- Suldaan Daahir Aamin Faarax

21-Suldaan Nadiif  Saydh jibriil.

 

Hoggaamiyeyaasha ASAD Oo La Hadlay Qaybo Taageerayaashooda Hargeysa Ah

“Maalinba Yaan Nin Rinji Isu Kiin Soomarin, Lacagtu Way Dhammaanaysaa, Laakiin…” Maxamed Kaahin ____________________________________________

H

argeysa (Haatuf): hogaamiyayaasha ururka ASAD ayaa shalay taageerayaashiisa kala hadlay munaasibad  ku saabsan xafiis cusub oo uu ururkaasi ka furtay xaafadda Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadaa oo ay ka soo qayb dad tiro badan oo taageerayaasha ururka ASAD ah waxa ka hadlay xubno ka tirsan hogaanka sare ee urur-siyaasadeedka ASAD, waxaana ragga halkaa ka hadlay ka mid ah gudoomiye-xigeenka koowaad ee ururka ASAD, C/raxmaan Aw-Cali Faarax, Maxamed Kaahin Axmed oo isna ka mid hogaanka sare ee ururka ASAD iyo xubno kale.

Cali Xasan Sheekhdoon oo ka mid ah ururka ASAD, kana mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa ugu horayn halkaa ka tiraabay, wuxuuna yidhi “Ururka ASAD wuu isku kalsoon yahay, dadkiisana wuu ku kalsoon yahay, waana ururka ugu taageerayaasha badan, waxaana ujeedooyinka ilaalinta nabadgelyada iyo horumarka Somaliland, isla markaana waa urur ummaddu leedahay, waana libaaxii Somaliland, laguna aamini karo hogaanka Somaliland”.Intaa ka dib Maxamed Kaahin Axmed ayaa hadalka qaatay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Taageerayaasha aadka u badan ee ururka ASAD aad iyo aad bay sharaf weyn noogu tahay inaanu xafladdan kala qayb galno,  sida aad ogtihiin 1960-kii ayey xoriyadda qaadanay, maantana waxaynu wadnaa doorasho aynu ictiraaf ku doonayno, laakiin su’aal iswaydiin u baahan hadii 1960-kii xorownay maxaynu 42 sannadood ka dib ictiraafka u doon-doonaynaa”, laakiin isaga oo su’aashaa ka jawaabaya wuxuu yidhi “ Waxa keliftay taariikh la’aan ummadeed, waayo markii aynu 1960-kii xorownay iyadoo aan ummaddan aayeheeda meel la saarin ayey inyar oo hogaankeedii ahayd inta ay iska kaxaysay Xamar ku dartay, ceeb ma aha taasi oo umaduhu way isku darsadaan, laakiin hogaan iyo  haggis la’aan baa ina haysay, waayo bulshada waxa haga hogaanka”.

Intaa ka dib Maxamed Kaahin waxa uu ka hadlay ururka ASAD iyo ujeedooyinkiisa, wuxuuna yidhi “ Ururka ASAD waa urur-siyaasadeed ay bulshoweyntu leedahay oo aan qabiil ahayn, oo aan gobol ahayn, oo aan nin lahayn, waana urur muddo soo halgamayey oo lahaa talada yaan la maroorsan, waa tii aynu talo maroorsiga 21-kii sannadood ee Siyaad Barre hore u soo eednaye, markaa waxaanu leenahay dadweynow maalin-ba yaanu nin rinji isu kiin soo marinin ee yeesha taariikh aad k duushaan, xisbigani lacag ma leh, nin lacag lehna ma laha, boqolka doolar ee dhaameelka ah ee maalin laysa siiyaana way dhamaadaan, markaa masiirkiina maalin qaad la bixiyey yaanu ku lumin, Asxaabta inta yar ee lacagta ah bixisay ee dabadeedna durbaanada meelahaa tunta waar waxaan leeyahay lacagtu way dhamaanaysayaaye laba iyo afartankii sannadood ee horena mustaqbalkiinu wuxuu ku soo dhamaaday hebel la laaluusho, oday dhaameel loo dhiibay iyo reer hebel lala faqay, laakiin anagu reer hebel-na ma nihin ee waxaanu nahay urur doonaya inay taladu gacantiina ku jirto oo aad doorataan ragga idin hogaaminaya, anaguna ragga aanu golaha degaanka u soo xulay waa rag nadiif , anigu waxaan ka imi gobolka Sool ma jirto cid kaga taageero badan ururka ASAD, laakiin xubnaha ururka ASAD waxaanu kula dardaarmaynaa inay xiliga doorashada nabadgelyada ka shaqeeyaan iyo inaan axsaabta kale la aflagaadayn, waxyaalaha ay ASAD ka dagaalamaysa siyaasadda ma dhalayska ah ee aan waxba dhalin”.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Maxamed Muuse Diiriye oo mudanayaasha golaha wakiilada ee ururka ASAD ka mid ah, wuxuuna yidhi “ururka ASAD waxa uu u taagan yahay u hiilinta ummaddan, tobankii sannadood ee u dambeeyeyna waxa inoo jirtay dawlad tayo daran”, wuxuuna Mudane Maxamed Muuse Diiriye aad uga hadlay ujeedooyinka ururka ASAD.

Waxa kale oo isna halkaa kahadlay gudoomiye-xigeenka koowaad ee ururka ASAD, C/raxmaan Aw-Cali Faarax, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Ururka ASAD ma doonayo isbedel uun, laakiin waxay doonaysaa isbedel tayo leh, ASAD waxay doonaysaa inaanay ummadeeda ka dhaqan ee ay u dhaqdo, waxna u qabato, waxaanuna u halgamaynaa inuu dalka Somaliland ka mid noqdo jimciyadda qaramada midoobay iyo umadaha adduunka, isla markaana taageerayaasha ururka ASAD iyo guud ahaan ummadda reer Somaliland waxaanu leenahay walaalayaal nabadgelyada ilaaliya, doorashadana si wanaagsan oo edeb leh u gala, cidda aad masiirkiina ku aaminaysaana doorta”.

Ragga kale ee halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Aw-Biixi Suufi Abokor oo ka mid ah xubnaha ururka ASAD uga sharaxan golaha degaanka Hargeysa.

 

Haweenka Reer Boorama

Iyo Is-Abaabulka Siyaasadda

 

B

oorame (Haatuf): kulan balaadhan oo ay ka soo qayb galeen xubno ka kala socda ururada haweenka iyo haweenka xaafadaha Boorame ayaa shalay ka dhacay dugsiga horumarinta gabdhaha ee magaalada Boorame, waxayna kulankaa ujeedadiisu ahayd sidii haweenka ku nool gobolka Awdal loogu wacyi-gelin lahaa doorka ay ku leeyihiin ka qayb galka doorashooyinka.

Haweenka kulankaa isugu soo baxay waxay isku booriyeen inay ka qayb galaan doorashooyinka madaxtinimada oo ay isu sharaxaan xililka maamul iyo siyaasadeed, isla markaana waxay xubnihii halkaa ka hadlay tilmaameen inay doorashadu tahay mid ka mid ah xuquuqahooda, taas oo bay yidhaahdeen haweenka fursad u siinaysa inay mustaqbalkooda ka tashadaan.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar xubnihii haweenka ahaa ee halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa, Marwo Khadra Cali Yuusuf, waxayna kulankaa ka sheegtay in haweenka gobolka Awdal looga baahan yahay inay codkooda bixiyaan oo ay siiyaan cidii dantooda ka shaqaynaysa, isla markaana waxay marwo Khadra haweenkii kulankaa ka soo qayb galay ku guubaabisay inay siyaasadda kaalintooda ka qaataan oo ay ragga kula tartamaan kuraasta.

Sidoo kale waxa kale oo kulankaa ka hadlay xubno kale oo haweenka reer Borame ah, waxayna dhammaantood isku guubaabiyeen inay ka qayb qaataan doorashooyinka, shirkanina waa shirkii labaad ee noociisa ah ee lagu qabto Boorame.

 

“Aniga Iyo Mayor Xigeenkayguba Xilkii Waanu Wareejinay” Mayorka Burco

B

urco (Haatuf): Maayarka magaalada Burco, Aadan Maxamed Mire (Ina waqaf) iyo maayar-xigeenkiisa, Maxamed Diiriye Xayd ayaa shalay si rasmi ah u wareejiyey xilkii maayarnimo, waxayna xil-wareejintiisu ka dambaysay markii uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan tartanka doorashada golaha degaanka, sidaa darteedna uu iska casilay jagadaa, isaga oo ka sharaxan ururka UDUB, waxaana xilka la wareegay xoghayaha dawladda hoose.

“Aniga iyo maayar-xigeenkuba waxaanu nahay musharax golaha degaanka ah, waxaanuna ka sharaxanahay xisbiga UDUB”sidaa waxa yidhi maayarka oo uu weriye Haatuf ka tirsani isgaadhsiinta telefoonka ku waydiiyey sababta xil-wareejintiisa. Laakiin Aadan-waqaf  waxa ka sii hadlay iscasilaadiisa iyo weliba musharaxnimadiisa, wuxuuna yidhi “5-tii Nofembar baan is casilay oo aan wasiirka arimaha gudaha u qoray waraaq aan ugu gudbinayo is casiladaaday, laakiin wasaaradda arimaha guduhu waxay iigu soo jawaabtay inaan xilka sii hayo maadaama ay jirto duruufo ay ugu horaysay shaqaale dhimis, iminka markii ay hay’adda shaqaaluhu timi ee ay imtixaankii qaaday ayaan xilkii tiriyey”.

Aadan-waqaf isaga oo ka hadlaya shaqaalaha la dhimay wuxuu yidhi “128 qof ayaa imtixaankii ku dhacay, ka dibna waxaanu siinay 8 bilood oo mushaharkoodii ah, waxaana shaqaalihii dawladda hoose hadda soo hadhay 219 qof, sidoo kale 65 askari  oo boolis ah oo dawladda hoose ka shaqayn jirey waxaanu ka soo reebnay 15 askari”.

 

Dal-xiisayaal reer Sweden ah oo booqasho ku yimi Somaliland

H

argeysa (Haatuf): laba haween ah oo u dhashay dalka Sweden ayaa safar dal-xiis ah oo laba toddobaad ah ku yimi Somaliland dhowaan.

Labadaa haweenka ah oo magacyadoodu yihiin Anette Gruvhagen iyo Lena Wingheim waxay kal-kaalisooyin caafimaad ka yihiin cusbataal ku yaal magaalada Feekshe  ee dalka Sweden, waxayna booqashadooduna waxay ka dambaysay markii ay martiqaad ka heleen Canab Faarax Axmed oo madax ka ah cusbataalka dhalmada ee Magan oo ku yaal magaalada Hargeysa, iyadoo ay marwo Canab iyo gabdhaha reer Sweden isku barteen mar ay booqatay dalka Sweden.

Mudadii ay labadaa gabdhood dalka joogeen oo ahayd laba toddobaad waxay safarkooda uga faa’iideeyeen hawlaha caafimaad ee ka socda cusbataalka Magan oo ay gacan ka geysteen, iyaga oo mudadii ay joogeen ka qayb qaatay hawl lagaga umulinayey laba haween ah oo la dhigay cusbataalka Magan.

Waxa kale oo ay socdaalo dal-xiis ku tageen magaalooyinka Gebilay, Berbera iyo Darar-weyne oo ku taal waqooyiga Hargeysa. Laakiin intii aanay dalka iman labadan gabdhood sida ay sheegeen wax fekrad ah kama ay haysan Somaliland, sidaa darteed werwer ayey ka qabeen waxa ay kala kulmi doonaan safarkooda Somaliland.  “Waxaanu la kulanay dad aad u furfuran iyo dal nabadgelyadiisu taam tahay oo xiligii la doono la lugayn karo, si fiicana waa naloo soo dhoweeyey, waxayna dhammaan dadkii aanu la kulanay nagu qaabileen soo dhowayn saraysa iyo dareen kal-gacal oo ahaa mid aanaan fiayn” sidaa waxa tidhi Anette Gruvhagen oo la dhacsanayd booqashadii ay dalka ku yimaadeen. Waxa kale oo ay labadaa gabdhood si gaar ah ugu mahad naqeen Canab Faarax Axmed oo madax ka ah cusbataalka dhalmada Magan oo sabab u ahayd imaanshahooda dalka, waxaanay labadan gabdhood qader kaalmo ah hadiyad ahaan u gudoonsiiyeen cusbataalka Magan, kaalmadaas oo ay jeebkooda ka bixiyeen.

Labadan gabdhood oo uu safarkoodu ahaa muddo laba toddobaad ah waxa uu ku egyahay maalinta berito oo la filayo inay dalka ka ambabaxaan.