BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Warshadda  Laydhka Hargeysa Maxaa Lala Damcay?

M

uddo laga joogo dhawr ayay ahayd marki ugu horesay ee la arko laydh ay soo saarto warshada Tamarta ee Hargeysa, iyada oo ay wakhtigaas waraabisay qaybo kooban oo ka tirsan magaalada. Kicinta warshaddu, waxay hirgashay kadib markii ay dawladdu muddo laba sanno ka badan ay maalgelin laxaad leh u hurtay, mashruucaas oo ahaa ka keliya ee dawladu kiishadeeddaa u balaqdo.

Shaki kama jiro in shiditaankii warshadu aad uga farxiyay dadweynaha deggan caasimadda oo ay baahi laxaad leh u haysay laydh jaban oo ay filayeen in ay ka maarmi doonaan mashiinadii teel-teelka magaalada u yaalay ee soo saari jiray laydhka qaaliga ah ee suququlka ah.

Waxase isweydiin leh, arrimahaas dadku filayeen ma rumoobeen?

Haddaba, intaynaan ka jawaabin aan eegno sida manta xaalkeedu yahay:

1.       Warshaddu waxay si buuxda gacanta ugu jirtaa gacanta dawladda, iyada oo uu maamule ka yahay Injineerkii wakhtigiii kicinteeda.

2.       Qiimaha laydhka, waxay ku iiibisaa $ 0.3 calaa yunit, kaas oo aan waxba ka yarayn sicirka Djibuuti.

3.       Seerfiska laydh-gelinta ee warshadda oo dabooli kari waayay baahida magaalada.

4.       Maamulka Warshada oo ku guuldaraystay laydh wadaajinta mashiinadii hore iyo warshadda.

5.       Qorshe maal-gelineed iyo maamul oo lagu horumarinayo warshadda oo aan ilaa hadda jirin.

Haddaba, iyada oo laga dheregsan yahay meheradda wax-soo-saar ee dawladi gacan ku qabato in ay ku dambayso wax bilaa xisaabtan ah, oo hantida ka soo baxdaana la iska gurto, waxa daruuri ah in la helo siyaasad kale oo ay ku sii socon karto Warshadda Laydhku, sida maalgelin laga helo Maal-qabeenada wadaniga ah oo gashada lacag lagu horumariyo, si ay warshaddu u noqoto goob wax-soo-saar oo ganacsi oo is-bixisa, adeegeeduna dyahay mid tayo leh oo magaalada wada gaadha, isla markaana qiimahiisu yahay mid macquul ah, waxaana wakhtigii lagu guda jiray kicinta warshadda ay dad badani filayeen in warshadda laga dhigi doono Wakaalad madaxbannaan oo sida Shirkadaha gaarka ah u shaqaysa, lehna gole maamul (Board of Directors), iyada oo haddii habkaas la raaci lahaa (Privatization) uu ururka Midowga Yurub (EU) diyaar u ahaayeen in ay wixii dhinma ee saamilaydu awoodi waydo ay iyagu ku deeqaan (sida; qalabka, waayirada, iwm).

Haddaba, iyada oo shaqaalihii hantida warshadda ka badbaadiyay boobkii iyo burburintii wakhtiyada qaar ku habsaday goobaha adeega gaadhsiiyaan horumarka dhaqaale, caafimaaad iyo waxbarasho ee ay sida weyn ugu baahan tahay.

 

Ma Run Baa Madaxweyne Rayaale Wuxuu U  Xidhxidhan Yahay Socdaal Gobolada Bari Ah?

H

argeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa lagu wadaa inuu dhowaan u socdaalo gobolada bariga Somaliland.

Socdaalka madaxweynaha ee gobolada bari ma jiraan warar si rasmi ah daboolka uga qaaday, laakiin warar xog-ogaal ah oo u dhuundaloola madaxtooyada ayaa tibaaxay inuu madaxweyne Rayaale u xidh-xidhan yahay socdaal gobolada bari ah.

Inkasta oo aanay wararku xaqiijin waqtiga kama dambaysta ah ee uu madaxweynuhu u baqoolayo dhinaca bari, hadana waxay wararka qaar leeyihiin waxa qorshaysan ciida ka dib, halka ay wararka qaarna saadaalinayaan inuu ciidda ka hor safar gelayo, laakiin xiliga ambabaxu goortauu doono ha ahaadee waxaad moodaa inay aad isu soo tarayaan wararka ku saabsan socdaalka madaxweyne Rayaale ee bariga Somaliland, waxayna wararka arintaa ku saabsani tibaaxayaan in qal-qaalada iyo diyaar-garowga safarkaa hadda lagu jiro.

Sida ay wararku sheegeen madaxweyne Rayaale oo la leeyahay waxa uu sii hogaamin doonaa wefti culus oo dawladiisa ah waxa lagu wadaa inuu safarkiisa ka bilaabo gobolka Saaxil ilaa gobolka Togdheer, ka dibna uu uga sii gud-bo gobolka Sanaag, isla markaana waxa u qorshaysan inuu tago gobolka Sool, halkaasna uu muddo ku negaado. Hase yeeshee wararku ma iftiimin ujeedada socdaalka madaxweynaha ee waqtigan xaadirka ah, iyadoo ay wax aan tobaneeyo maalmood ka badnaynin ka hadheen mudadii loo cayimay in la qabto doorashooyinka golayaasha degaanka, laakiin tibaaxo kala duwan ayaa ka soo baxaya ujeedada socdaalka madaxweyne Rayaale ee waqtigan xaadirka ah, taas ooo ay wararka qaar leeyihiin waxay u egtahay inuu socdaalka madaxweynuhu cidhibta ku hayo arimo siyaasadeed oo la xidhiidha marxaladda doorashooyinka, waxayna taasi noqon kartaa inuu doonayo inuu ugu horayn doonayo inuu dadka goboladaa ku dhaqan uga xaal waramo xaaladda, iyadoo ay taa u barbar socoto inuu socdaalkiisa fursado siyaasadeed uga faa’iidaysto, laakiin dhinac kale marka laga eegona waxay noqon kartaa inuu madaxweyne Rayaale safarkiisan kaga jawaabayo ballan-qaadkiisii bilowgii markuu kursiga ku fadhiistay ee ahaa inuu booqan doono gobolada bari, gaar ahaan Sool iyo Sanaag.

Ujeedada safarka Rayaale waxay doonto ha ahaato, laakiin hadii uu rumoobo koleyba waxa uu noqonayaa mid si weyn indhaha loogu hayn doono, aadna loola socon doono sida uu u jaanqaado iyo waxa ay natiijadiisu noqotol, waxayna marxaladda uu ku soo beegmay ka dhigaysaa socdaal dareenkiisa leh, ayna suurta gal tahay in marka daboolka laga qaado uu faaqidaad badan oo siyaasadeed yeesho.

 

Ololaha Ururada

Siyaasadda Oo Cirka Isku Shareeray

H

argeysa (Haatuf): Ololaha ururada siyaasadda ayaa maalmihii u dambeeyey xaami noqday, waxaana magaalooyin badan oo ay caasumadda Hargeysa ugu horayso si weyn u hadheeyey orodka iyo sawaxanka ururada siyaasadda, taas oo la xidhiidha doorashooyinka dawladaha hoose oo ay mudadii loo cayimay inay dhacaan kaabiga saaran tahay.

Inkasta oo ugu yaraan toddobaadkii ama labadii toddobaad u dambeeyey aanu mar qudha damin sawaxanka iyo guclaha ururada siyaasaddu, hadana maalintii shalay waxay dadka magaalada Hargeysa ku dhaqan u ahayd maalin la dhega-barjoobeen sawaxan iyo gurdan xooggan oo ay inta badan ururada siyaasaddu la dhex-qaadeen magaalada.

Ururada SAHAN iyo HORMOOD ayaa sameeyey isu soo baxyo, iyaga oo magaalada dhexdeeda makarafoono la dhex-qaadayey, bixinayeyna ogaysiisyo la xidhiidha ololaha doorashada. Sidoo kale waxa isna sawaxankiisu badnaa ururka ASAD, taas oo ay Madaxda iyo taageerayaasha ASAD si balaadhan u soo dhoweeyeen gudoomiyahooda, Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka soo laabtay socdaal uu ugu maqnaa dalal debedda ah, waxayna suuqyada magaalada ku soo mariyeen kolonyo baabuur oo ay hareeraha ka lushaan dad kor ugu dhawaaqaya halkudhegyo ay ku muujinayaan taageerada ururkooda. Laakiin marka la eego labadii toddobaad ee ina dhaafay sanqadha ururada siyaasadda habeen iyo maalin lagama seexan, waxaana dhacayey xaflado ay xafiisyo ku furanayaan, isla markaana ay uga faa’iidaysanayaan khudbado siyaasadeed oo la xidhiidha ololahooda siyaasadda.

Gudoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali Waraabe iyo wefti uu hogaaminayo ayaa iyaguna habeenimadii sabtida ka soo hoyday socdaal ay ku tageen gobolka Saaxil, halkaas oo ay meel fagaare ah kala hadleen dadka reer Berbera.

Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa iyaguna maalmihii u dambeeyey socdaal taageero raadis ah oo la xidhiidha ku maraya degaamada gobolka Sanaag, sidoo kale madaxweyne Rayaale oo ah gudoomiyaha ururka UDUB ayaa isna lagu wadaa inuu socdaal aan ka madhnayn taageero raadis ugu bixitimaya gobolada bari ee Somaliland.

Ololaha irca isku shareeray ee ururada siyaasaddu waa mid ay ugu xusul-duubban yihiin sidii ay ugu sii weel samaysan lahaayeen doorashada maalmaha aan badnayni inaga xigaan ee golayaasha degaanka.

 

 

Fari Kama Qodna Qabyo-Tirista

Iyo Bilic-Darada Magaalada Berbera

Warbixn – C/raxmaan X. Daahir

 

I

nkasta oo gacanta lagu hayo olole lagu dayactirayo, dib-u-dhisna lagu samaynayo goobo ka mida kuwa adeega bulshada oo ay iska kaashadeen hay’adaha deeq bixiyayaasha ah iyo kuwa dawliga ah ee magaalada Berbera ka hawl galaa, sida; suuqii Sariibadda iyo wadhatada oo maalgelin dib loogu dhisaaayo ay ugu deeqday hay’adda HABITAT, Cusbitaalka Waalida oo isna labaatan guri oo ka mida kuwa lagu xanaaneeyo dadka xaga damiirka wax uga dhimman yihiin, ayaa dib-u-dhiskiisa iska kaashadeen hay’adaha dekedda, D. House, ururka Wadaniga ah ee GARO, hay’adda COOPI oo gacanta lagu hayo dayactirkooda. Balse waxa jira muuqaalo iyo qabyo fara badan oo ka muuqata goobaha adeega bulshada oo aan weli loo dhaqaaqin qabyo-tirkooda, taasi oo aanay ilaa hadda muuqan wax qorshe ah oo dayactirkooda lagu eegayaa, sida Saldhiga dhexe ee magaalada Berbera oo ay qaan gaadhay duruufaha ku xeerani. Xarunta nabadgelyada oo ah bayska hogaanka qaybta Berbera, hase yeeshee burburka ka muuqda iyo bilicdarada oogadiisa ka muuqataa ay sahlan tahay, balse ay meesha ka maqan tahay hogaanka sare ee ciidanka booliska ee masuuliyada guud saaran tahay, ayaa ah sida dad badani qabaan kuwa aan fiiro ay mudnaan ku siiyaan in ay saraakiisha ciidanka booliska isku bedbedalaan mooyee aan xilka saaraniba dhaafin in ay baahida ciidan mudnaan gaara u yeeshaan, ayaa waxa lagu tilmaami karaa hogaankaasi in aanu iskuba hawlin hawlaha ciidanka nabadgelyda in ay wixii ay awood u waayaan ay hadday tahay heer gobol, hadday tahay heer xukuumadeed, amaba hay’adaha deeq-bixiyayaasha ahi ay u gudbiyaan.

Haddaba, marka run ahaantii la eego Saldhiga Dhexe ee magaalada Berbera oo dhisme ahaan ah sar hal dabaqa ayaa waxa aan islahayn muuqaalka wajahada hore ee indhuhu ku dhacayaan oo marka aad qaarkaa hore ka joogto qofkastaaba uu garan karo midabada Goodirka ee marsan inuu Saldhig Ciidan yahay, balse marka aad xagiisa dambe gasho iyo qaybta Amniga qofka lagu sugo, ayaa waxa aan isu kaa qabanayn qaybtii aad ka soo gashay iyo qabyada kaa soo hor baxaysa iyo maxaabiista hadh qodaalka fadhida ee qolalkii loogu talo-galay ay dusanyiin ee ay had iyo goor dhibtu kala haysato maxaabiista iyo waardiyihii ilaalinayay.

Haddaba, inkasta oo la saadaalinaayay in ay xal u noqonayso mahadhadii ka dhacday Saldhigaasi Dhexe ee Berbera, kadib markii 4/4/2001, subax khamiiseed uu max buus maalin halkaasi lagu soo xidhay waxyeelo ay marxuumkaasi iyo nin kale suuqa ay isugu gaysteen aan sida la sheegay waynayn, balse ninkii ay waxyeeladu ka gaadhay uu si sahlan qudha dhagax ugaga gooyay, isagoo maxbuus ahaan amniga ay hayaan oo uu magan u yahay xaruntaasi nabadgelyada, balse lagu sababeeyay dilkaasi foosha xun guryo-la’aanta hadh-qodaalka maxaabiistu ay bacad-yaalka u yihiin oo inta badan aad arkayso maxbuus hawl yaraan u baxsaday oo waardiyihii halkiisii la geliyay, haddaba qabyadaasi oo weli halkii taala, ayaa waxa la odhan karaa weli fari kama qodna.

Wax kale oo qaybyadaasi dugsi u tahay xarunta laanta socdaalka ee Amagareeshinka Berbera oo ah meel aan hoy ahaan roobka aan laga jirsan Karin oo magac u yaal oo dul iyo hoosba ka aradan, iyadoo goobtaasi ay ku taalo dhuumaha ugu socdaalka badan ee bad iyo beriba loogu talo-galay in ay u xil saarnaato hawsha socdaalka oo ay si isdaba jooga u yimaadaan dadyawga Ajaanabka ah ee ay marinka u tahay marsada Caalamiga ah, Madaarka, iwm in ay sugaan ama kaantaroolaan ayaa iyana baahi ka xoog rooni deris la tahay.

Haddaba isku soo wada duub, hawlahaa ciidanka nabadgelyada, ayaa waxa had iyo goor gacanta ku haya hawla-hooda ciidan maamulka Gobolka Saaxil oo inta badan daboola adeega ciidanka iyo hawlaha ay u xilsaaran yihiin, had iyo goor caawiya sida D/hoose, dekedda, balse ciidan ahaan waa ceelna uma qodna cidina uma maqna.

 

 “Miyaanu Idiinla

Egnahay Rag Aan Doorasho Doonayn”

Gudoomiyaha Ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan oo dalka dib ugu soo laabtay

H

argeysa (Haatuf): Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) ayey shalay madaxda iyo hogaamiyayaasha ururkiisu si balaadhan ugu soo dhoweeyeen magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal uu muddo bil gaadhaysa ugu maqnaan debedaha, gaar ahaan qaar ka mid ah dalalka reer galbeedku, isaga oo ka soo degay madaarka Hargeysa.

Dad boqolaal qof gaadhaya oo ay horkacayaan madaxda sare ee ururka ASAD ayaa Saleebaan-gaal kaga hortegey madaarka, ka dibna xidhiidh baabuur ah oo ay ka lushaan calanka ururka ASAD, ayaa ka soo gelbiyey madaarka ilaa guriga uu degan yahay oo ku yaal xaafadaha shacabka, waxaana hogaamiyayaasha iyo taageerayaasha ASAD ee soo dhoweeyey Saleebaan-gaal horkacayey gudoomiye-kuxigeenkiisa koowaad, C/raxmaan Aw-Cali Faarax, iyadoo ay soo dhowaynta ka dhex-muuqdeen rag door ah oo ka mid ah hogaamiyayaasha ASAD, waxayna soo dhowayntaasi ahayd mid sawaxan badan.

Kaamboolka guriga uu degan yahay ayuu gudoomiyaha ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) hadal kooban ugu jeediyey dadkii soo dhoweeyey, wuxuuna u sheegay inuu safarkiisii debedda kala soo guryonoqday guul iyo yididiilo wacan. “Mudadii bisha ahayd ee aan maqnaa wax badan baad sii qabateen oo dalkiiba waad sii qabsateen, waxaana idiin rajaynayaa guul, insha alaahu waynu guulaysan doonaa”ayuu yidhi, waxayna taageerayaasha ASAD ee soo dhowayntaa ka qayb galay ku dhawaaqayeen halku dhegyo ay ku quwaynayaan taageerada ururkooda. “Dadka debedaha jooga oo dhami waa ASAD” sidaana waxa yidhi nin qurba-joogga reer Somaliland ah oo ka mid ahaa xubnaha la socday gudoomiyaha ASAD. Hase yeeshee weriyayaal ka kala socday qaar ka mid ah saxaafadda wadaniga ah ayaa gudoomiyaha ASAD, Saleebaan Maxamud Aadan waraysi kooban la yeeshay markii uu soo degay, waxayna wax ka waydiiyeen ujeedada socdaalkii debedaha iyo waxa uu kala soo kulmay ioy weliba arimo kale oo la xidhiidha marxaladda doorashada iyo mawqifka ururkiisa, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Maxay ahayd ujeedada aad debedda ugu safartay, ma taageero doon baad ahayd ?

J:  Horta taageero awalba waanu haynay, laakiin socdaalkaygani waxa uu ahaa sidii aanu culayga ku sii badino taageeradayada, waayo ma aha inaanu u muuqano dadka gudaha dalka jooga ee sida aad ogtihiin debedahana waxa ku nool dad aad u badan oo reer Somaliland ah, waxaana soo maray Ingiriiska iyo meelo kale oo Yurub ah, Kenada iyo Maraykankana khadka telefoonka ayaan dadka kula hadlay, dadkuna way iska wanaagsaanayeen, waana ASADaysan yihiin, waxayna ujeedadayadu ahayd inaanu taageerayashadayada iyo dadka ururka ka tirsanba la kulano oo wixii ay nagu kordhiyaana ka soo qaadno, anaguna wixii aanu u sheegayno u sheegno.

S: Maxaad markaa kala soo kulantay safarkaaga?

J: Urur ahaan guul baanu safarkaa kala soo noqonay, waxa kale oo aan soo arkay dad dalkooda iyo dadkooda jecel, waa dad jecel in la xaqiijiyo hawsha doorashada iyo dimoqraadiyada aynu halkan ka sheegayno , laakiin shaki badanina waa ku jirey iyaga oo leh waar doorashadu xalaal ma noqonaysaa, maxay tolow la iman doontaa, balse waa dad dalkooda iyo dadkooda aad wanaag ula jecel.

S: Waxa laydinku xantaa ASAD taageero badan-ba dadka debedaha kuma haysato, taa maxaad ka odhanaysaa?

J: Taasi waa wax iska beenoobay, waayo hadii ay jireen rag odhan jirey maanta sidaa ma aha, markaa anigu odhan maayo ururada kale cidi lama socoto, laakiin xiise iyo taageero badan baa ASAD debedaha looga hayaa, ASAD-na maanta taageero xoog leh ayaan debedaha uga wadaa.

S: Socdaalkan aad debedaha ugu baxday waxa la lahaa waxaad doonaysay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed labada, taas oo aad ka doonaysay dadka reer Somaliland iyo xataa dawladaha shisheeyaha ah, taa ka waran?

J: Waa khasab urur inuu helo taageero dhaqaale iyo mid dad-ba inuu helo, waayo urur waxa dhista uun dadka, ururka ASAD-na dadka ayaa leh, markaa safarkayaga kama ay madhnayn inuu debedaha ka helo taageerayaashiisa dhigaal, taasna waanu ku soo guulaysanay, ta kale shakhsiyaad ajnebi ah waan la kulmay, laakiin dawlado lama aan kulmin.

S: Dadka debeduhu sidee bay u arkaan doorashada la doonayo inay Somaliland ka dhacdo?

J: Waxa la yidhi muslinow run sheeg, muslimowna uga qaadee, dadka debedaha joogaa waxay qabaan inaynu gelayno doorasho loo siman yahay oo xor ah oo xalaal ah, waxayna qabaan in doorasho dhacda lagu gaadhi karo guul iyo horumar, laakiin mar walba wel-welkooda way ka qabaan sida ay doorashadu u noqon doonto mid u dhacda si xor ah oo xalaal ah.

S: Ururkiina waxa la sheegaa inuu had iyo goor wel-wel ka qabo doorashada, waayo?

J: Wel-welka mar walba waanu qabnaa, waanuna qabaynaa ilaa la xaqiijiyo inay doorashadu si xor ah oo xalaal ah u dhacdo. Dadka reer Somaliland-na waxaan gaadhsiinayaa ugu horayn Illaahay hayna wanaajiyo, laabteenana burcad haysu mariyo, waxa kale oo aan mar walba leeyahay aynu nabadda xejisano, dimoqraadiyaduna iskama timaado ee waxa lagu gaadhaa dedaal in loo galo, waxaana ka mid ah waxyaalaha lagu gaadhi karo in xisbiyada la taageero, ma lihi xisbigayaga uu qudha hala taageero ee waa in mid walba la taageeraa. Ta kale ictiraafkuna waa wax inaga inagu xidhan, waxaan ugu horaysa awellan inaynu dalkeena hanano oo qabyada ku jirta ka saarno, ka dibna aynu cadaalad iyo sinaan isku maamulo, isla markaana aynu ka takhalusno musuqmaasuqan meel walba lafa-jebiyey.

S: Waxa la yidhaahdaa ururka ASAD doorashadaba ma doonayo, taa maxaad ka odhanaysaa?

J:  Dee horta idinka (Weriyayaasha) ayaan idiin dhiibee miyaanu idiinla egnahay rag aan doorasho doonayn, taasi ma jirto waanuna doonaynaa sidii aanu u xaqijin lahayna waanu u hawl-gelaynaa.

 

Madaxweyne Rayaale Oo Wasiir

Cusub U Magacaabay Wasaaradda Boosaha

H

argeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay wasiir cusub u magacaabay wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta, ka dib markii ay wasaaradaasi muddo sannad-badhkii ka badan bilaa wasiir ahayd, iyadoo uu wasiirkii hore ee wasaaraddaas C/jibaar Maxamed iska casilay xilka horaantii sannadkan.

Sida ku cad war-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeenka madaxtooyada, Cabdi Idiris wasiirka cusub ee wasaaraddan loo magacaabay waa ninka la yidhaahdo Xasan Cabdi Khayre, waxayna magacaabista wasiirka cusubi ku soo baxday wareegto uu madaxweyne Rayaale ka soo saaray xafiiskiisa.

 

Socdaalka Gudoomiyaha

KULMIYE Siilaanyo Ee Gobolka Sanaag

C

eerigaabo (Haatuf): Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay gelinkii dambe gaadhay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Sida ay sheegeen wararku Weftiga Axmed-siilaanyo oo dabayaaqadii toddobaadkii hore ka bixitimay magaalada Hargeysa intii aanay gaadhin magaalada Ceerigaabo waxay socdaal ku sii mareen degaamo badan, iyadoo la sheegay inay inta badan tuulooyinka iyo degaamada ay mareen ay dadka kala hadleen fagaarayaal.

Sida ay saraakiisha ururka KULMIYE weftigaasi meelaha ay cagta sii dhigeen waxa ka mid ah Caynaba, Oog, Gar-adag, Ceel-afweyn, Huluul, Fadhigaab, Yufle, Laas-doomaare, Balanbaal iyo tuulooyin kale oo ka mid ah jiidahaa, waxayna madaxda KULMIYE dadka degaamadaa u jeediyeen khudbado ay ugaga waramayaan barnaamijkooda siyaasadeed, iyaga oo dhinaca kalena dadka dadka ugu baaqaya inay ururkooda taageeraan, isla markaana laabta u garaacaya inuu ururkoodu yahay urur taageero badan haysta oo rajaynaya inuu ku guulaysto loollanka loogu jiro hogaaminta dalka.

Sida ay sheegeen madaxda ururka KULMIYE weftiga Axmed-Siilaanyo waxay socdaalkooda ku soo mari doonaan degaamo kale oo gobolka Sanaag ah, laakiin marka ay ka soo fanjeediyaan gobolka Sanaag, waxa la sheegay inay ku soo dambayn doonaan gobolka Sool oo ay isna muddo ku sugnaan doonaan.

 

Isbahaysiga Al-Qaacida Iyo Al-Itixaadka Muqdisho Oo lagu Eedeeyay Qaraxii Kiiniya

By Mark Huband (Financial Times)

X

idhiidhka sharci darada ah ee dhinaca maaliyada ee isku xidha Usaama Binu Laaden Iyo Kooxo Soomaali ah oo ururada Islaamiga ah ayaa noqotay calaamadaha yar ee loo hayo isku xidhnaanta Soomaalida iyo Usaama Binu Laaden ee weerarkii lala beegsaday Israa’iiliyiinta ee 16qof ku dhinteen Kenya.

Afar Soomaaliya ayaa loo Xidhay qaraxii khamiistii ee Kiiniya ka dhacay iyadoo lala xidhiidhinayo xidhiidhka la tuhunsanaa ee hore uga dhaxeeyay ururka Al-Itixaad Al-Islaami ee fadhigiisu yahay Muqdisho, iyo ururka Al-Qaacida ee Usaama Binu Laaden, xidhiidhkaas oo ah wada shaqayn argagixiso, arrintaas oo keentay in loo qaato in soomaalidu ka qayb qaadatay weeraradaas,  baadhista arrintan waxa adkeeyay dhacdadii hore u dhacday ee 3 October 1993kii ee Muqdisho ay maleeshiyooyinku ku dileen 18 askari oo Ciidamada badda ee maraykanka ah, arrimahaa marka la isku daro waxay keeneen in la rumaysto inuu jiro isbahaysi ka dhaxeeya Al-Itixaadka Muqdisho iyo ururka Al-Qaacida, isbahaysigaas oo ilaa hadda jira. Rumaysnaanta xidhiidhka Al-Qaacida iyo Al-Itixaadka Muqdisho inuu jiro waxa aad loo sii rumaystay markii la galay baadhitaan dhinaca xidhiidhka maaliyada ee Al-Qaacida iyo ururada kale iyadoo la baadhayay hawl galada argagixisada ayaa waxa laga soo xigtay sarkaal hore uga tirsanaan jiray Golaha amaanka ee qaramda midoobay in laga helay xisaab baan oo uu Usaama Binu Laaden ku lahaa Bahamas in (Account) akoondkaa ay isticmaali jirtay shirkada Ganacsiga ee Al Barakaat ee Soomaalida Muqdisho ahi iyo in Gudoomiyaha shirkadaasi u ahaa hogaamiyaha Al-Itixaad ilaa 1990kii, Maraykanku waxay rumaysan yihiin in qayb ka mid ah faa’iidadii shirkada xawaalada ee Al-Barkaat lagu maal gelin jiray Al-Qaacida, laakiin arrintaa waxa beeniyay Gudoomiyaha shirkadaas Axmed Nuur Jimcaale oo laakiin qirtay inuu mar ka tirsanaan jiray, laakiin uu ka baxay. Cadaymaha loo hayo xidhiidhka ka dhaxeeya Al-Qaacida iyo Al-Itixaadka Muqdisho waxaa ka mid ah madaxii  Ciidamada ee Al-Qaacida oo la odhan jiray Maxamed Atef oo  booqday Muqdisho sanadkii 1992kii si uu u sameeyo isbahaysi labada dhinac ku midoobaan.

 

La Tashiga Bush Ee Madaxda Geeska Afrika Maxaa Ka Soo Bixi Doona?

Faallo Cumar D. Cumar

X

iligii uu jiray dagaalkii qaboobaa ee dalalkii lahaa quwadaha waaweyn iyo bahwadaagahoodii ayaa dunida inta badan waxaa jiray tartan ay labadii dal ee ugu waaweynaa ay ugu jiraan inay xidhiidh wanaagsan la yeeshaan ama saldhigyoba ka samaystaan dalalka ku yaalla marinada istiraatiijiga ah ee dunida, xiligaas geeska Afrika wuxuu ka mid ahaa gobolada aadka loogu tartamo ee aan marnaba aan ka madhnaan ku tiirsanaan mid ka mida dalalka waaweyn ee ee dunida, burburkii midowga Soofayti ka dib waxa meesha ka baxay dagaalkii qaboobaa iyo labadii quwadood ee tartamayay oo midi laciiftay, marka wakhtigan la eego waxa hadda muuqda dagaal caalami ah oo ka dhaxeeya wadamada reer galbeedka oo ay hogaaminayaan maraykanka iyo Ingiriisku dagaalkaas oo ku waajahan argagixiso,  isla xiligan waxaa jira is xulafays ka  dhaxeeya dalalka safka hore kaga jira dagaalkaa Argagixisada iyo dalalka kale ee ay taageeradoodu cod ahaan iyo dhul ahaan lagama maarmaanka u tahay hawl galada ku waajahan argagixisada,  sida iskaashiga baakistaan iyo maraykanka oo lagama maarmaan u noqday hawl galkii Afqaanistaan ee ku waajahnaa Daalibaan iyo Usaama Binu Laaden, waxa kale ka mid ah dhoolatuskii Ciidamada maraykanka ee Jordan xiligii ay arrinta Ciraaq cirka isku shareertay sidoo kale dhoola tus isna ka dhacay Kenya oo milatari iyo meelo kale oo ku yaalla wadamada Khaliijka.

Marka aynu jaleecno la tashiga xiligan ee uu Madaxweyne Bush la yeelanayo madax ka mid ah kuwa wadamada Geeska Afrika sida Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Mele Sanaawi iyo Madaxweynaha Kenya Danial Arap Moi waa arrin laga dheehan karo sida waxa keenay, la tashiga xiligan, taasoo la odhan karo waxay la xidhiidhaa qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kiiniya oo la odhan karo waxa uu  Maraykanku kala tashanayaa talaabooyinkii lagu sugi lahaa arrimaha amaanka ee geeska Afrika, tan labaad waxa dhici kara inuu jiro tuhun ama xogo laga helay saldhiga cida fulisay weerarkaas Mombasa taasoo la odhan  karo waxay Madaxda maraykanka iyo kuwa geeska Afrika ka wada tashanayaan sidii ay talaabo uga qaadi lahaayeen. Dhinaca kale Itoobiya iyo Kiiniya waxay ka mid yihiin wadamada ku hawlan nabadaynta kooxaha Soomaalida ah ee ku shirsan Eldoret oo hore loogu yaqaanay inaanay isku waafaqin karin heshiis, balse ay oogaan dagaalo taasoo ay ku qaateen magaca dagaal oogayaal (Warlords) waxaana la tashigaa ka mid ahaan kara waxa laga yeelayo hadii ay heshiin waayaan.

Guud ahaan maraykanka iyo wadamada reer Galbeedka oo aan hadda isku halayn karin xidhiidhadoodii wadamada carabta ayay dhici kartaa inay unkaan xidhiidho wanaagsan oo intii hore ka sii baaxad weyn oo ay la yeeshaan wadamada geeska Afrika, marka arrintan la odoroso waxa ka soo bixi kara iskaashiga wadamada geeska iyo maraykanka oo sii xoogaysta, iskaashigaasi oo labada dhinac mid uu ka filayo dhiniciisa faa’iido uu Maraykanku ka rajaynayo inay wax kala qabtaan dagaalka uu kula jiro argagixisada wadamada geeska Afrikana waxay ka rajaynayaan kaalmo dhaqaale inay ka helaan.

Dhinaca Somaliland in si dadban ay siyaasiyan u wanaagsantahay inay  Itoobiya noqotay mid ka mid ah dalalka uu Madaxweyne Bush kala tashanayo arrimaha geeska Afrika sababtoo ah Itoobiya oo ka macquulsan marka la eego qadiyada Somaliland dalalka kale ee ku yaalla gobolka sida Djibouti, markaa xataa haddii aanu wada tashigaas Madaxweyne Bush iyo Madaxda geeska Afrika natiijo muuqata oo faa’iido ah u yeelan Somaliland haddana waxaad moodaa in aanay kaga soo fool lahayn arrin cadaawadeed taasoo  suurta gal noqon lahayd haddii uu Madaxweyne Bush arrimaha geeska Afrika kala tashan Ismaaciil Cumar Geellaha Djibouti oo aan isagu qarsan cadaawada uu u hayo jiritaanka Somaliland, natiijada ka soo baxdaa waxay doontaba ha noqotee waxaa hubaal ah in wada tashigaasi uu yahay mid aad u saamayn doona siyaasada geeska Afrika ee mustaqbalka dhaw.

 

“Inagu Dawlad Baynu Nahaye Ma Nihin Puntland oo Kale”

“Waxaa Soo Noqotay Hay’addi Coopi oo Aan Sidii Hore Ahayn”

Waraysi Qaybtii Labaad Ee Gudoomiyaha Gobolka Saaxil/Duqa Berbera Maxamed Axmed Xasan (Talaata-codle)

B

erbera (Haatuf) Waraysi uu Wargeyska Haatuf la yeeshay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil isla markaana ah duqa magaalada Berbera Maxamed Axmed Xasan (Talaata-Codle) oo uu kaga waramay dhinacyada khuseeya nolosha Shacbiga ku nool guud ahaan gobolka Saaxil iyo gaar ahaan xarunta gobolka ee Berbera, Waraysigaas oo cadadkii Haatuf ee kan ka horeeyay aanu idiinku soo gudbinay qaybtiisii koowaad, qaybtii labaad ee waraysigaasi waxay u dhacday sidan.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil isagoo ka hadlaya adeega caafimaad ee ay xiligan hay’adda Coopi u qabato dadka gobolkaas wuxuu yidhi “imika waxaa soo noqotay hay’addii Coopi oon sidii hore ahayn ee waxeedu ay tahay guno siin uun ay tahay waxoogaa daawo ah iyo waxoogaa qalabka dayactirka ah, markaa shaqaalaha markii hore qaadan jiray ($400) mushaharkiisu ahaa, Coopi maanta waxay siinaysaa ($70) ilaa $100, wixii kalena waa wuxuu ka helo mushaharka, gudi caafimaad bay leeyihiin, gudigaas oo tabaruc ah oo muddo badan isku hawshay, sidii wax loo hagaajin karo waa loo hagaajinayaa, dhakhaatiirta oo ku yaraana way soo kordheen oo laba dhakhtar oo kalee ayaa ku soo biiray, dhakhaatiirtu waxay badana kaga cararaan halkan kulaylka iyo magaalada oo laga yaabo inaanay ka helin meelo ay habeenkii fadhiistaan oo ay si gaara ugu shaqaystaan, laakiin dhakaatiir ku  filani imika way joogtaa, cusbitaalkuna waxaad moodaa inuu imika soo kabanayo oo uu soo hagaagayo, mishiinadu way fadhiyeen oo waxaa dayactirtay gobolka, gaadiidka (2) gaadhi way u socdaan gaadhi kalena waxaa lagu talo jiraa in hadda loo iibiyo oo ay u iibiso Coopi”.

S- Gudoomiye waxaad nooga warantaa, waxaad xilka la wareegtay xili doorashooyin ay dhacayaan, markaa sida ay iskugu kaa qabteen xilkaaga iyo marxaladan cusubi nooga waran? Iyo sida aad uruada ula dhaqanto?

J- marxalad cusub oo kulul ayaan galnay, marxaladaasi waxa weeyaan waxaa loo diyaar garoobayaa doorashooyinkii waxaa la marayay heerar kala gedisan, sida diiwaan gelintii, waxay u baahantahay u bislaasho, waayo arag bay u baahantahay, anigu waayo aragnimo hore waan qabay, haddana waxaan soo maamulay oo aan gudoomiye ka haa aftidii dastuurka, markaa codbixinaha oo dhan, goobaha iyo qaabka loo shaqaynayo, meelaha ay noqonayaan intaba ra’yi ayaan ka sii haystay oo anaa sii dhisay markii hore, waxaa ugu soo horeysay arrintan diiwaan gelinta wacyi gelin xoog leh ayaa laga sameeyay, komishanka waxaanu siinay meeshii ay degi lahaayeen, baabuur baanu u kiraynay, waxaanu u furnay Toban xafiis ayaanu Berbera ka furnay, tobankaa xafiis shan ka mida waxay ahaanayaan meelo dawladdu leedahay, shana waan kiraynay, waxaanu u dhignay buugaagtii iyo qalabkii ay kaga shaqayn lahaayeen, tiro koobkii si wanaagsan ayuu u dhacay.

S- Mudane Gudoomiye magaalada Berbera waa xeeb, markaa xaga laydhka dadku siday u helaan ilayn dadku dad wax haysta iyo dad kaleba way isugu jiraan?

J- Laydhka Berbera waxaa siiya dhawr shirkadood ayaa jira, waxaa jirta shirkad weyn oo shirkado yar yar oo isu ururay ah markii hore laydhku wuxuu bixi jiray 12 saacadood oo kaliya mar ayuu bixi jiray 8 saacadood oo kaliya, markii ay doorashadu soo dhawaatay bisha Ramadaan ay fooda ina soo saartay tashi ayaanu ka yeelanay, waxaanu ku goynay in la sameeyo 18 saacadood oo is daba jooga ayuu imika nalku u baxaa. Meelaha qaarkood oo laydhka ka qaata sida Dahabshiil, Telesom, Somtel, meelaha laydhka ka qaataa shirkadahan iyagu waxay helaan 24 saacadood laakiin waa tiro yar.

S- Xiliga doorashooyinka Maxaad u soo jeedin lahayd dadka gobolka Saaxil iyo magaalada Berbera?

J- Wax badan ayaan u soo jeediyay oo aan kaga hadlay fagaaraha 26 june ee axsaabtu ay ka hadasho ee bandhigooda ku soo samayso,  markasta waxaan ahmiyada saaraa anigu waxa weeyi nabadgelyada in lagu tuntuunsado, oo shay lagu ciyaaro aanay noqon, qof kastaana meeshiisa uga soo jeedo, indho dheeraada la siiyo, dantu waa waxay ku jirtaa waa nabadgelyada, qodobka aynu ka wada duulaynaa inuu noqdo nabadgelyada oo kuligeen mid madaxa iyo mid aan ahayn, mid suuq jooga, mid ganacsada ah, mid shaqaale ah, hooyada, ilmaha, intaba inay nabadgelyada u guntato ayaa daruuriya, haddaan nabadgelyo jirin waxba ma jiraan, xafiisna la fadhiyi  maayo, iskuulna la tagi maayo, wadhatana dumarku fadhiyi  maayaan,  bacadle furnaanayaana ma jiro, nabadgelyada inay xooga saaraan ayaa u sheega ururada, tartankuna uu xalaal yahay.

S-Berbera waa xarun ganacsi, markaa xiligan sideed u soo dhawayseen Ganacsiga?

J- maraaxil baynu soo marnay xaga Ganacsiga kala gedisan inagu Horta dawlad baynu nahay markaa qaab waxaynu leenahay iyo hay’addo loogu talo galay inay qaran hagaan la mid ma nihin sida Puntland oo kale iyagu dawlad maaha, markaa faro guudkood ayay wax ku qaadayaan, laakiin inagu waxaynu leenahay sharci iyo nidaam taxane ah oo dawladeed, ayaynu leenahay oo lagu dhaqo wixii debeda laga keenayo iyo wixii gudaha ka baxaayaba, marbaa jirtay ganacsatadeenu ay u jiibsadeen xaggaa Puntland, laakiin imika gudi ayaa la saaray oo dib u eegis ayaa lagu sameeyay sharcigii, tas-hiilaad faro badan ayaa la sameeyay, ganacsatadii xagaa tagtay way soo noqotay, dekedu way camirantahay, dadkuna si wanaagsan ayuu u yimaadaa, waxoogaa saamayn ah waxaa inagu yeelatay xuduudka Itoobiya ee la Xidhay, imika haddaad eegteen ganacsatadeenu 100% waxay ku soo noqdeen Berbera oo ay wax kala soo degaan, soo dhaweyn baa la siiyaa, waxaa noo balana in kastamada iyo dekeduba si dhakhso badan ugu fududeeyaan, adeega xafiisyada faraha badnaana waa la yareeyay.

S- Gudoomiye waxaan soo maray jidkan u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera aad iyo aad ayuu u googa’anyahay, kolayna waad martaa markaa xarunta Hargeysa ku socoto arrintaa sideed u dareentay?

J- arrinkaasi waa arrinta ugu adag, mar hore waa la sameeyay, markaa si fiican oo rasmiya ayaan loo samayn, imikadan waa lagu jiraa, EU-da ayaa bixisay lacagta imika lagu samaynayo min Berbera ilaa Dacar-Budhuqna imika waa lagu jiraa, hase yeeshee waxaad moodaa in imika aabay ladantahay oo waa kuwan Xamaas maraya, Dacar-Budhuq ayay ku socdaan, qolooyinka xagga Hargeysa  ka soo bilaabay ayaad moodaa inay gaabinayaan oo aanay isla socon, waxaan kula dardaarmayaa nimanka wadooyinka samaynaya inay dhaxal uga tagaan dalkooda.

Dhamaad

 

IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid I. Guraase

Siiradii Nebi Muxamed (CSW)

Q: 16aad

DHISITAANKII MASJIDKA RASUULKA (SCW)

Rasuulku (SCW) markuu ku degay reer binu Cabdinajaar, gaar ahaan Abaa Ayuub Al-ansaari , hawl uu bilaabo wuxuu ugu hormariyey dhistaankii masaajidka. 

Waxaa masaajidka laga dhisay meel u dhow meeshuu Nabigu ((SCW)) ku degay oo bohol ahayd, qubuuro iyo geedo timir ihina ku yaalleen ayna lahaayeen laba wiil oo agoomo ahaa oo la kala odhan jirey Sahal iyo Suheyl. 

Waxaana booska bixiyey Mucaad binu Cafraa' oo labadaa wiil mas'uul ka ahaa, oo Rasuulka ((SCW)) ku yidhi, "Rasuulkii Ilaahow Sahal iyo Suheyl waa laba wiil oo agoon ii ah, anigaana raalli gelinaya ee masaajid ka dhiso", waxay kaloo kutubta qaarkood wariyaan in Rasuulku ((SCW)) uu labada wiil booska ka iibiyey. 

Waxa uu markaa Rasuulku ((SCW)) amar ku bixiyey in qubuuraha la qodo oo la caro geddiyo, (gaalo ayey ahaayeen) boholahana la aaso, geedahana la jaro. 

Sidaa ayaa la sameeyey, ka dibna waxaa la guda galay dhisitaankii masaajidka. Habka loo dhisayna waxa u ahaa sidan: derbiyadiisa waxaa laga dhigay dhoobo iyo dhagax laban ah, saqafkiisana waxaa lagu daday timirta caleenteeda, tiirarkiisa dhexda ahna waxaa laga dhigay geed timireedka jidhidiisa, qibladiisa waxaa loo jeediyey dhinaca woqooyi ee Baytu Maqdis hase yeeshee 18 bilood ka dib, markay soo degeen aayadaha Suuratu Baqara ku jira, ayaa qiblaadii dhinaca Makka loo wareejiyey, halkaas oo ay baaqi ku ahaan doonto ilaa qiyaamaha. 

Masaajidka gudihiisu wuxuu ahaa ciid, wuxuuna lahaa saddex albaab, dhererka masaajidku, marka laga soo bilaabo dhinaca qiblada ilaa meesha u dambaysa, wuxuu isu jirey 100 dhudhum, ballaciisuna sido kale ayuu ahaa. 

Rasuulku (SCW) wuu ka qayb qaatay dhismaha masaajidka, wuxuuna tidhinayey gabay yar oo dhiidhigelin ah oo macnihiisu yahay "Allahayow ceyshka aakhiro maahee ceysh kale ma jiro ee u dambi dhaaf muhaajidhiin iyo ansaar". 

Asxaabtuna iyagoo aad u shaqeynaya ayey waxay qaadayeen beyt kale oo macnihiisu yahay "haddaan fadhiisanno Nabiga (SCW) oo shaqaynaya waa hawl aan wanaagsanayn". Ka dib Rasuulka (SCW) markuu dhammeeyey dhismihii masaajidka wuxuu dhinacyada masaajidka ka dhisay meelo uu dego, dabadeedna wuu ka soo guuray gurigii Abaa Ayuub Al-nasaari. 

Rasuulku (SCW) wuxu ugu hormariyey hawl uu qabto dhismaha masaajidka, ahmiyadda uu leeyahay iyo sida aan looga maarmin darteed. Wuxuuna yahay masaajidku markaska iyo xarunta muslimiinta, sidaa darteed maaddaama ay dowlad cusub oo islaam ahi ka dhalatay Madiina si ay u hesho Xarun ayaa dhismihiisa loogu hormariyey. Wuxuuna masaajidka Rasuulku (SCW) ahaa meesha salaadda lagu tukado, la isugu yimaado, lagu kala war qaato, diinta lagu barto, wax lagu kala xukumo (maxkamad), wufuudda lagu qaabilo, maxaabiista gaalada lagu xidho, dadka masaakiinta ah ay seexdaan mararka qaarkoodna dadka xanuunsanaya lagu daaweyn jirey.

 

HESHIISKII IBNU UBAY IYO QURAYSH

Nimankii qureyshta ahaa waxay aad uga xumaadeen muslimiinta iyo dhulka ay heleen iyo iney ka hoos bexeen cadaadiskoodii, sidaa darteed waxay mar walba ku dadaalayeen sidii ay muslimiinta dhib ugu geysan lahaayeen. Waxayna sameeyeen hanjabaado badan oo ay muslimiinta ku leeyihiin "ha moodina haddaad naga fakateen oo aam Madiina tagteen inaad ku nabad gelaysaan". 

Sidaa darteed waxay warqad u soo direen Cabdullaahi ibnu Ubay oo ay ku leeyihiin "waan ognahay inaad soo dhooweyseen Maxammed iyo dadkii la socday oo aad u ballan qaaddeen inaad u hiilineysaan, haddaba ama iska saara dadkaas ama duullaan ayaan idinku soo qaadaynaa oo iyaga iyo idinkaba waan idin dabar goynaynaa'. Cabdullaahi ibnu Ubay, oo aan weli muujisan islaamka, ayaa jawaab degdeg ah ku celiyey qureysh wuxuuna u sheegay in uu Rasuulka (SCW) iyo asxaabtiisa la dagaallamayo, qureyshna la jiro.

Rasuulku (SCW) markuu arrintaa maqlay, khudbad ayuu u jeediyey muslimiintii, wuxuuna ku yidhi "dhagarta iyo khiyaamada ay qureysh idinku waddo waxaa ka daran tan aad idinka dhexdiinna isku waddaan (Aws iyo Khasraj)". 

Markaas ayaa muslimiintii ansaar ka hortageen arrintii Cabdullaahi ibnu Ubay, halkaas ayaana arrintiisii ku fashilantay, maxaa yeelay wuxuu rabay inuu qabiil ahaan u kiciyo Aws iy Khasraj oo Rasuulka (SCW) iyo muhaajidhiinta ka horgeeyo. Sidoo kale qureysh waxay soo saareen go'aan ay xaramka uga joojinayaan dadkii reer Madiina. 

Xaalka oo sidaas ah ayaa waxaa baxay Sacad binu Mucaad oo muslimiita ka tirsanaa, ahaana odeygii Aws, wuxuuna aaday Makka si uu u soo cumreysto. Markuu tegey Makka ayuu wuxuu ku degay Umaya ibnu Khalaf oo ay jaahiligii saaxiibo ahaan jireen, oo markuu Umaya Madiina tago wuxuu ku dagi jirey Sacad, sido kale markuu sacad Makka tago wuxuu ku dagi jirey Umaya. 

Wuxuu Sacad Umaya ku yidhi "waxaad ii eegtaa waqti ay kacbadu firaaqo tahay si aan u dawaafo". Markii ay kacbadii firaaqo noqotay ayey is raaceen oo kacbadii tageen. Goor ay dawaafayaan ayaa waxaa arkay Abii Jahal, markaasuu yidhi "Umayow waa kuma ninkan kula socda", Umaya wuxuu yidhi "waa Sacad binu Macaad". Markaas ayuu Abii Jahal ku yidhi Sacad "Ilaah baan ku dhaartaye hadduuna Abuu Safwaan (Umaya) kula socon lahayn inaadan nabad ku laabateen maxaa yeelay intaad dadkayagii iishey (bidcoobey) u yeerateen oo dejiseen miyaad haddana dooneysaan inaad kacbada dhawaaftaan". 

Sacad ayaa marka hadlay oo ku yidhi 'haddaad kacbada ii diiddo wax ka daran ayaan anna kuu diidayaa oo ah safarkiinna Shaam oo dhaqaalihiinnu ku xiran yahay ayaan waddada ka goyn doonaa", Umaya ayaa markaas Sacad ku yidhi "Sacadow codka kor ha ugu dhigin abal xakam waa sayidka dadka toggan jooga'e" markaasaa Sacad ku yidhi "na dhaaf Umaya Ilaah ayaan ku dhaartaye waxaan maqlay Rasuulkii Alle oo sheegaya in ay ku dili doonaan (muslimiinta), Umaya waxa uu yidhi: "ma makay (igu dili doonaan)?" Sacad ayaa yidhi: "ma ogi", Umaya hadalkaas si daran ayuu uga argagaxay, markuu reerkiisii u laabtayna waxa uu xaaskiisii ku yidhi: "ma waadan ogayn waxa u Sacad igu yidhi? waxay tidhi muxuu kugu yidhi? waxa uu yidhi Maxamed ayaa u sheegay in ay i dili doonaan, markaasaan ku idhi Makka miyaa, wuxuu yidhi ma ogi. Ka dib Umaya wuxuu yidhi: "Ilaahbaan ku dhaartaye inaanan Makka meelna uga baxayn, hase yeeshee dagaalkii badar ayaa Abii Jahal soo khasbay isagoo ka baqanaya, waxay gabadhiisii ku tidhi: 'ma hilmaantay wixii walaalkaagii reer yathrib kugu yidhi, wuxuu yidhi meel dhow ayaan uga soo hadhayaa, dabadeedna ciidankii ayuu raacay intii dhexda la sii socdayna gaadiidkiisu diyaar ayuu u ahaa ilaa uu badar tagay oo uu dagaalkii ka qayb galay laguna dilay.

La soco cadadka dambe.

 

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

·                    Waa Buug Cusub  oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 – 1991

·                    Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 37aad

Ganat: ninka la yidhaahdo Dajaasmaaj Kabadhe Tasama miyeydaan qaraabo ahayn ?.

Mingistu: Waan maqlay inay jiraan niman yidhaahda “Mingistu waa ina Dajaasmaaj Kabadhe Tasama”, laakiin nimanka sheekooyinkaa ka sheekeeyaa waa niman taariikhda ay cid waliba uga aqoon badan tahay oo aan waxba ka aqoon.

Anigu Dajaasmaaj markii iigu horaysay ee aan barto waxay ahayd markii aan soo galay guutada afraad, laakiin hore umaan aqoon xiligaa ka hor, muddo ka dibna wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Kasa kabadhe ayaanu saaxiib weyn noqonay, saaxiintinimadaasna waxa uu xidhiidhkeedu gaadhay heer walaalnimo, laakiin waxay odh-odhan jireen “Kani waa Kasa Kabadhe waa walaalkii, wuuna u dhiig  egyahay Dajaasmaaj”.Sheekadaasna waxa la bilaabay judhiiba aniga oo guutada afraad jooga, laakiin aan kaa dhaadhiciyo sida ay xaqiiqda taariikhdu ahayd.

Dajaasmaaj Kabadhe waxa uu ahaa nin u dhuun-daloolay lafdhabarta siyaasadda Itoobiya oo wax badan ka garanaya ama ka fahamsan siyaasadda, waayo laga soo bilaabo waqtigii boqortooyada waxa uu ahaa nin madaxtooyada arimeheeda ku dhowdhow, kuna soo barbaaray duleedka iyo gudaha madaxtooyada, isla markaana waxa uu ahaa nin uu boqorku soo dhowaysto, markaa maadaama uu ahaa nin boqorku soo dhowaysto waxa uu nin boqorka ku yidhaahda wax aanay kuwa kale ee ku dhodhowi ku odhan jirin ama kula dhici jirin. Ninka la yidhaahdo Liij Indhalshaw ayaa odhan jirey “:inta uu Dajaasmaaj boqorka agjoogo aniga waa ii faa’iido”, waxaana markii dambe Liij Indhalshaw laga dhigay wasiirka madaxtooyada.

Ninka la yidhaahdo Kornayl Damise Daresa oo xubin ka ahaa golaha dhergiga ayaa wanjalay Dajaasmaaj, arintaas oo soo xaqiijiyey ilaa maanta umaan sheegin ama ugama aan waramins saaxiibkay Kasa Kabadhe (Ina dajaasmaaj) oo ay Kornayl damisena saaxiib ahaayeen, waayo Dajaasmaaj waxa uu ahaa nin caawiya cid kasta oo ay caruurtiisa saaxiib yihiin, sidaa darteed Damise ardaydnimadiisii ayuu caawin jirey, wuxuuna ka mid ahaa dadka ay guriga Dajaasmaaj u yahay gurigoodii oo kale.

Anigu inkasta oo aanan Dajaasmaaj aqoon hore oo badan u lahayn, hadana buug uu qoray ayaan akhristay, buugaas oo uu kaga hadlay saraakiisha sarsare waxay sheekada ku qornayda ahayd mid runta ku fadhida, sidaa darteed  qalbiga ayaan xushmad ugu hayn jirey.

Kornayl Damise meel shir ah ayuu ka yidhi “Waa in Dajaasmaaj la soo xidho”, laakiin dadkii shirka ka soo qayb galay ayaa taa ka soo horjeestay oo diiday, waqtigaana waxaan anigu ku idhi “Damisow ninkaa waxa aad ku soo eedaysay ma aha wax caqli gal ah oo la qaadan karo”. Dabadeedna inkasta oo uu aad uga cadhooday, hadana wuu qaatay oo “waayahay”ayuu yidhi. Laakiin maalintaa habeenimadeedii ayaa magaalada dhexdeeda lagu daadiyey waaraqo la leeyahay “Mingistu waa ina Dajaasmaaj”, waraaqahaas oo meel walba lagu saydhiyey subaxnimadii markii aanu soo toosnay ayaanu aragnay . Dabadeedna shir uu Dhergigu lahaa ayaa laga sheegay arintaa, waxaana la yidhi “Waraaqdaasi waxay ka soo baxday guriga ninkaa (Dajaasmaaj), inteena halkan joogtaana waxaynu nahay niman Axdi wada galay oo naftooda iyo dhiigooda qaybsanaya oo xataa dhimasho u diyaar ah, isla markaana mid kasta oo inaga mid ahi waxa uu yeellan karaa cadaw u gaar ah, markaa dadku iyaga oo aan wax khalad gelina ma aha in loo caayo sida xayawaanka oo kale, sidaa awgeed Dajaasmaaj Kabadhe waa in la soo xidho”, laakiin intayadii kale kornayl Damise mooyaane maadaama aanaan hayn wax cadayn ah arintaa waanu ka soo horjeesanay oo boqol iyo toban nin oo shirkaa joogay Damise mooyee intoodii kale waxay yidhaahdeen “Lama soo xidhayo Dajaasmaaj”, sidaas ayaanu lagu diiday.

Ganat: Damise inuu yahay ninka waraaqahaa daadiyey ee waxaa sameeyey wax cadayn ah oo aad soo bandhigtaan miyaad hayseen ?.

Mingistu: Inuu ninka waxaas sameeyey inuu isaga (Damise) yahay dhamaantayo raggayagii shirka joogay waanu wada garanaynay, laakiin anigu maan doonayn inaan shaarica ku fadeexadiyo ooo intaan magaciisa ku dhawaaqo wax ka sheeg sheego., markaa sheekada ah “Mingistu waa ina Dajaasmaaj xiligaa ayey I raacday, balse anigu sheekadaa halkaas ayaan ku dhaafay oo kama doodin ama maan sii wad-wadin, waxayse ahayd sheeko had iyo goor la wad-wado oo ay xataa ku kaftami jireen xubnaha dhergigu, taas oo ay odhan jireen “Taasi waa sheekadii Damis”, ka dibna way qos-qosli jireen.

Xiligii uu qarxay dhaqdhaqaaqii kacaanku

Ganat:  Bishii March 1973-kii kacaankii qarxay ee bulshada, idinka sidee buu ahaa dhaqdhaqaaqiinii ciidan, gaar ahaan halkii aad joogtay ee HARAR?

Mingistu:  Julay 1973-kii ka hor intii aan ururka Dhergiga la aasaasin dhaqdhaqaaqyadii ciidamadu saddex weji ayey soo mareen, wuxuuna wejiga u horeeyey ahaa koox saraakiil sarsare ah oo la sameeyey si ay arimaha  laga cabanayo uga hadlaan, waxaana kooxdaa saraakiisha fadhi u ahaa huteel (Club) ay lahayd guutada afraad, laakiin saraakiishaa inkasta oo ay rag tiro yar oo ka mid ahi doonayeen inay horkacaan ama ka turjumaan dareenka shicibka, hadana taas iskuma ay raacsanayn ee waxay qaarkood ama intooda badani doonayeen inuu sii jiro maamulkii boqortooyadu, waxayna doonayeen inay bakhtiiyaan xarakada jirtey. Sidaa darteed arintaa isku mawqif way ka yeellan kari waayeen ama way ku kala aragti duwanaadeen, ka dibna way isqancin kari waayeen.

Saraakiishaasi waxay qabteen Adis-ababa, waxayna la soo kulmeen maamulkii boqortooyada, laakiin markii ay soo laabteen waxa la ogaaday inay soo fuliyeen wax ka duwan wixii loo diray ama laga rabey, ka dibna waa laga cadhooday, waxaana la yidhi “Nimankan yaa markoodii horeba wakiishay oo yidhi magacayaga ku hadla. Dabadeedna waxa halkaa ka qarxay wareegi labaad ee dhaqdhaqaaqii kacaanka, waxaana ka dib la magacaabay guddi kale oo ay ka mid ahaayeen Kornayl Adnaafuu, Kornayl Alamayaahu Dastaa, kornayl Yaalam Sawd, Liij Indhalshaw iyoo qaar kale, laakiin nimankaasi kama ay shaqaynayn sidii dhaqdhaqaaqaa loo kobcin lahaa ee isbedel loo dooni lahaa, laakiin waxay ka shaqeeyeen sidii ay dhaqdhaqaaqa u xakamayn lahaayeen., waxayna guddigaasi hoos tageen dhammaantood Kornayl Yaalam Sawd.

Guddigaasi isaga oo aan wax badan-ba jirin ayuu bakhtiyey, laakiin ka hor intii aanu baabi’in ayey u tageen boqortooyada oo cafis waydiisteen, ka dibna inta cafiskii la siiyey oo lala tashaday ayaaba ciidamada mushaharka loo soo kordhiyey si loo dejiyo….

La soco cadadka dambe.

 

Baaxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan

Q: 16aad – Sheeko taxane ah – waxa qoray Cumar D. Cumar (Japan)

W

arbixintii wareed ee ay Simon Dives ka diyaarisay arrinta Baxnaan iyo Bilan ay  jaraa’idkuna qoraalo ka xigteen ayaa keentay in maayarkaa Mombasa iyo Gudoomiyaha Degmadaasi ay go’aamiyeen cafis loogu sii daayay Baxnaan, iyadoo ay goob joog ahayd Bilan markii la soo daayay Baxnaan waxaa halkaa ka  bilaabmay jawigii saddexaad ee ay ku kulmeen Bilan iyo Baxnaan oo kulankoodii u horeeyay uu ka dhacay miyiga, kii labaadna Hargeysa, kii saddexaad ayaa ah ka ay maanta ku kulmeen Baxnaan oo xidhnaa lix bilood iyo Bilan oo xadhigiisa awgii u timid Mombasa, Baxnaan hadal badan muu odhan Bilan iyo Medino oo soo jidmarisay Bilan, waxayse Bilan ugu celcelisay Baxnaan in Medino tahay inanta suurta galisay in ay timaado Mombasa, Simon oo heshay warka ah in la soo daayay Baxnaan ayaa xisaysay in ay la kulanto Bilan iyo Baxnaan oo wada jooga bal si ay u hesho, dareenkooda iyagoo wada fadhiya maadaama ay Simon Dives midba gaar Bilan iyo Baxnaan ay ula kulantay oo uu mid walba si aan daah iyo dadab midna lahayn uu ugu sheegay jacaylka uu midba ka kale u qabo, doorkan Simon waxay u soo dirtay Baxnaan iyo Bilan martiqaad waxaana martiqaadka soo qaaday Cali Atoore oo hore u arkay guriga reerka ay la joogtay Bilan markii uu xidhnaa Baxnaan, casuumada waxaa ugu lamaanaa Simon in ay ka qaado sawir wada jir ah Bilan iyo Baxnaan si ay ugu dirto dhacdooyina taxanaha ah ee ka hayso Baxnaan iyo Bilan, sheekada Baxnaan ee ay hayso Simon waa mid ka qurux badan xaga hore dhinaca Baxnaan, laakiin inta dambe ma aha sawir uu ku farxi doono Baxnaan waayo Simon waxay heshay in Bilan ay uga digtay Baxnaan balwada xadhigiisa sababtay, sheekada dhinaca Bilan ayaa aad u bilicsan oo ku sifaynaya Bilan inan daacad u ah jacaylkeeda, asluub badan dhiiran, adkaysi u leh dhibta la soo darista, caqli badan, isku kalsoon, Baxnaan qudhiisa waxaa ugu jira sheekada ay hayso Simon qayb leh sumcad ninimo oo ah inuu yahay geesi lagu xusayo sidii uu uga guulaystay libaaxii soo hujuumay isagoo ay la socoto Bilan. Baxnaan waxaa kale oo uu u muuqdaa nin hoodo wanaagsan oo aan arrimuhu ku adkaan, isma leh geedkii galoolka ahaa ee ay ku balameen Bilan iyo Baxnaan habeenkii ugu horeysay markii ay ku kulmeen ciyaar gud ay dhalinyaro waaga ugu bariisay heeso iyo ciyaaro kooxba ay koox bedelayso, hadda waxay joogaan hudheel aad u qurux badan oo ku yaalla mid ka mid ah kuwa ugu horeeya caasimadaha Afrika ee aadka casriga u ah, waxay aragtay Bilan dad wada mashquulsan laakiin may garan karayn waxa ay ku mashquulsanyihiin, Bilan balwadii ay kula yaabanayd ninkeeda markii ay joogeen Hargeysa maba aha halka wax la qarsado ee waa qayb ka mida nolol maalmeedka. Bilan iyo Baxnaan waxa wehelisa Medino oo ay Baxnaan iyo Bilanba u sheegaan cidii martiqaada in aanay ka hadhi karayn, sababtuna ay tahay in Medino aanay u iman Kiiniya dan ay iyadu leedahay ee ay u timid samofal ay ku caawinaysay Bilan, taasoo markii ay keentay Kiiniya si dadban u keentay in la soo daayo Baxnaan, hadda Baxnaan jacaylkii Bilan wuxuu ku daray ixtiraam iyo talo ka qaadasho uu u dhega nugulyahay Bilan, intii ay joogeen Bilan iyo Baxnaan Nayroobi wuxuu Baxnaan tusay Bilan halkii uu kaga qayb galay bandhig faneed ee sababtiisa uu ku yimid Kiiniya.

Wada jooga Bilan iyo Baxnaan waxaad moodaa aroos joogta ah, Inkasta oo ay hadda muddo is qabeen  Bilan iyo Baxnaan haddana qofkii aan taas hore u ogayni wuxuu moodayaa, lamaane aroos galay habeen ka hor, arrintaas waxaa kaalinaya in dadku moodaan aroos cusub xiisaha ay isu hayaan Bilan iyo Baxnaan oo aan marna isbedelin Simon iyadaa Bilan, Baxnaan iyo Medinaba ka soo amababixisay Nayroobi, waxaanay Baxnaan iyo Bilan aad u jeclaysteen in Simon ay ugu timaado Hargeysa oo ay weliba isu soo raacaan miyiga, Simon waxay halkaa iyana soo gashatay in ay aad u qurux badnaanayso in ay aragto deegaankii ay isku barteen Bilan iyo Baxnaan, Bilan jid dheer iyo gaadhi ayay ku tagtay min Hargeysa ilaa Mombasa, laakiin soo noqodkeedkii wuu uga qurux badnaa sii socodkeedii, diyaaradba diyaarad ayay kaga wareegaysay, intaa waxaa u dheeraa waxay jirjirka ku hayay Baxnaan oo ah ninkeeda ay isaga awgii u gashay safar aanay waligeed ku fekirin, xataa aanay ku riyoon. Ruun Saddexle markii ay ku soo degeen gurigeeda Bilan, Baxnaan iyo Medino, ma nabad qabtaan iyo soo socda waxaan ahayn, may odhan Ruun Saddexle waayo Bilan waxaa la socda Baxnaan, markaa wixii hadala ee ay Bilan eedadeed ku odhan lahayd waxaa hor istaagay xishood ay Ruun ka xishootay Baxnaan, maalmo yar gudahood ayay Bilan iyo Baxnaan dib u yagleeleen gurigoodii gaarka ahaa, imaantinka Bilan iyo Baxnaan wuxuu warkoodu gaadhay Bilan, waxaana markiiba xaga Hargeysa yimid Bilan aabaheed Gaas Saddexle oo isaga ay ka go’antahay inaan Baxnaan qabi karin Bilan ka dib markii uu maqlay Gaas in inanka inantiisa guursaday sababtii loogu Xidhay Kiiniya ay ahayd saqrad, arrintaas oo uu Gaas u yaqaano qofka waxaa lagu sheego qof aan rajo lahayn, Gaas toos umuu tagin, gurigii inantiisa ee wuxuu tagay gurigii walaashii Ruun isagoo ka codsaday inay u tagto Bilan oo ay ugu yeedho Ruun inanteeda Salma ayay u dirtay, habeenimadii ayay u timid Bilan aabaheed oo dhex dooyaystay guriga eedadeed, nabadaadin ka dib Gaas wuxuu weydiiyay inantiisa sida uu yahay xidhiidhka iyada iyo ninkedaa Bilan ayaa ugu jawaabtay “aabo arrintayada waxba kama xumo, dhibaatana ma jirto”, Gaas wuxuu yidhi “ma hubtaa aabo, ma hubtaa” Bilan “haa aabo haa aabo” ayay ku celcelisay, intaa waxaa dheerayd iyadoo Bilan siisay aabaheed hadiyad dhara oo ay ugu soo talo gashay, markii uu weydiiyay Bilan aabaheed wax cabasho ah ayuu yidhi “aabo ma warkaan maqlay ayaan run ahayn mise, adiga lagu sitaa”, “aabo maxaad maqashay;” ayay Bilan ku celisay aabaheed, Bilan intuu kolba dhinac u jeestay ayuu yidhi “cajab cajab, cajab, waa aakhiro salaan, ma tanoo kalaad aragtay, ana warwarkeedaan seexan waayay, iyana maba dareensana”

La soco cadadka dambe.

 

 

WAADIGA CIYAARAHA

Lazio Oo Hogaanka U Qabatay Kala-

Horeynta Tartanka Kooxaha Talyaaniga Serie A

K

ooxda Lazio ayaa hogaanka qabsatay tartanka kooxaha Talyaaniga ee Serie A ee kubadda Cagta, kadib markii ay ka badisay kooxda Piacenza oo ay kaga badisay 3-2, isla markaana waxay ka faa’iidaysatay markii ay kooxii hogaanka hore u haystay barbardhac keeneen ciyaarahoodii ay ciyaareen iyada oo kooxda AC Milan la barbaraysay kooxda Empoli oo ay kula barbaraysay 1-1, halka ay kooxda Juventus-na Roma isla dhaafi waayeen 2-2 ciyaarihii maalintii axadii dhacay ee toddobaadkii 12aad ee tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee Serie A. waxa kale oo toddobaadkan dhacay in ay kooxda Inter Milan si weyn uga guulaysatay kooxda Brescia, fadliga ciyaaryahanka Christian Vieri.

Ciyaarta dhexmartay Lazio iyo Piacenza oo marti ahayd kooxda martida loo ahaa ayaa goolasha ku hormartay kadib markii ay u dhaliyeen ciyaaryahanadeeda Enzo Maresca iyo Nicola Caccia daqiiqadihii 18aad iyo 27aad. Laakiin ciyaaryahanada Lazio ay uga jawaabay laba gool oo ay kala dhaliyeen ciyaaryahanka reer Argentina Deigo Simeone iyo Claudio Lopez daqiiqadihii 42aad iyo 45aad, ka hor intii aanu guusha siin ciyaaryahanka Bernado Corradi daqiiqadii 90aad.

Guushaas ayay kooxda Lazio ku yeelatay 27 dhibcood, iyadoo ay dhibic keliya ka horayso kooxaha AC Milan, Inter Milan iyo Juventus.

Roma 2 Juventus 2

Ciyaartii labaad oo ka dhacday garoonka Olympic-ga ah ee ku yaal caasimadda Talyaaniga ee Roma, ayuu ka badbaadiyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Czech Pavel Nedved kooxdiisa Juventus khasaarihii kowaad ee xili-ciyaareedkan, kadib markii uu u dhaliyay goolkii barbardhaca kula gashay kooxda Roma 2-2 daqiiqadii ugu dambeysay ciyaartii qiimaha badnayd, ciyaartaas oo uu garsooruhu ka saaray ciyaarta saddex ciyaaryahan oo mid yahay kooxda Juventus iyo laba ciyaaryahan oo ka mid ah kooxda Roma oo uu ku jiro kabtanka kooxda Totti.

Ciyaarta waxa goolka koowaad ku furay kabtan kooxda Roma, Francisco Totti, daqiiqadii 12, waxana kordhiyay natiijada oo ka dhigay laba gool ciyaaryahanka Antonio Cassano, kadib markii uu kubad baas cidhibta ah ka helay Totti, ulana galay goolwadaha keligii lana dhaafay oo goolka ku laagay daqiiqadii 44aad, laakiin Alessandro Del Piero ayaa kubad madax ah oo koone la soo laagay ah u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 45aad ee dhammaadkii qaybtii hore.

Qaybtii dambe ciyaarta Roma waxay sii wadatay ciyaarwanaageeda, iyadoo u jirtay in ay sii kordhiso goolasha ay ka horayso kooxda Juventus wakhtigii dhammaadka, laakiin ciyaaryahanka Pavel Nedved ayaa helay kubad ay ku fashilmeen difaaca Roma in ay saaraan, kuna laagay goolka, taas oo uu qaban kari waayay goolhayuhu, ciyaartiina barbaro ku noqotay.

Bardhaca Milan iyo Guusha Inter Milan

Kooxda AC Milan ayaa ka caajistay in ay sii wadato hogaanka kala horaynta kooxaha Serie A, kadib markii ay barbaro la gashay kooxda Empoli 1-1, iyadoo ay kooxda Empoli ku horay goolka oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka Thommaso Rocchi daqiiqadii 42aad, laakiin ciyaaryahanka reer Ukraine Andriy Shevchenko ayaa ka badbaadiyay kooxdiisa khasaare kadib markii uu u saxeexay goolka barbardhaca ay kula noqotay daqiiqadii 52aad.

Halka uu weeraryahanka dawliga ah Christian Vieri ku muujiyay xidignimadiisa ciyaartii kooxdiisu la ciyaartay Brescia, kadib markii uu dhaliyay afar gool daqiiqadihii 3, 13, 57 iyo 84aad, waxaanu sidaas hore ugu maray keligii gooldhalinta xili-ciyaareedkan isagoo leh 12 gool.

Guushaasina waxay ahayd guushii koowaad ee ay ku guulaysato afartii ciyaarood ee ugu dambeeyay, una soo gudubto kaalinta saddexaad ee kala-horeynta kooxaha, iyadoo leh 26 dhibcood, ayna xaga goolasha kaga dambayso kooxda ay isku magaalada yihiin ee AC Milan.

Natiijooyinkii Ciyaarihii kale ee Toddobaadkan

 

 

Kooxda

Dhibcaha

Lazio

27

AC Milan

26

Inter Milan

26

Juventus

26

Chievo

22