Haatuf News

 

Issue: 217 ______________Taariikh: December 4, 2002

 

Fadeexad: Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Lagu Eedeeyay Lacag $1 Milyan Ah Oo Uu Dhigtay Baananka Ingiriiiska

Warbixin – Cumar D. Cumar

X

iligii shaqada Wargeyska lagu jiray, ayaa war soo gaadhay xafiiska Wargeyska Haatuf, xaruntiisa Hargeysa. Warkaas oo uu soo diray nin u dhashay Somaliland , laakiin hadda ku nool Cariga Ingiriiska. Ninkaasi, wuxuu ka waramay arrin uu aad u dhibsaday, wuxuu magacaabay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo xiligan uu telefoonka soo diray ku sugnaa dalka Ingiriiska, wuxuu ninkaasi sheegay in isaga iyo cidii kale ee arrintan aragtayba ay ka argagaxeen xisaabta uu Wasiirkaas ka tirsan xukuumadda Somaliland uu ka furtay Baanan ku yaal dalka Ingiriiska iyo xadiga lacageed ee uu si toosa ugu shubtay laba Baan oo la kala yidhaahdo Scot Bank iyo Abbi Bank oo ku yaalla magaalada London, qaybo kalena ku leh magaalooyinka kale Ingiriiska. Lacagtan oo marka dollar loo rogo gaadhaysa ilaa Hal milyan oo Doollar, wuxuu muwaadinkaasi la yaabay dhaqaalaha Somaliland iyo hantida badan ee Wasiirkaasi uu gacanta ku dhigay. Wasaarada uu Wasiirkani ka madaxda yahay oo u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga Somaliland, waxay xiligan ku beegnayd wakhtigi la ogolaaday soo-celinta Qaxootiga reer Djibuuti, muddo yar uun kadib, waa arrin u baahan in si dhaba looga daba tago.

 

Ninka warkan soo sheegay, wuxuu u muuqday nin haya xog dhaba, laakiin waxaa suurto-gal ah in arrintani ay tahay mid ka dhici karta Somaliland , si fudud inuu masuul u lunsan karo hanti farabadan ama uu qaadan karo laaluush hawl fududeyn daneed ah, marka la eego nuglaanta fulinta shaciyada hanti-dhawrka. Waxaa iyana arrintan taageeri karta wasaaradaha oo uu wasiirku leeyahay awood qayru-xad ah oo xataa heshiisyo intuu galo uu nuqulada kaydka heshiiska uu dhigan karo gurigiisa, sida xog lagu hayo masuul madax ka ahaa hay’adda Qaxootiga ee UNHCR, xafiiskeeda Hargeysa, Mr. Antony Verwey iyo Wasiir ka tirsan hay’adda xukuumadda u qaabilsan Qaxootiga oo la sheegay in khilaaf dhexmaray labadaa masuul ay sababtiisu ahayd xisaab-celin uu masuulka UNHCR ka dalbay Wasiirka reer Somaliland, khilaafkaas oo ku dambeeyay in Mr. Antony Verwey oo ahaa masuulkii UNHCR ee baaxada u yeelay xafiiska hay’adaas ee Hargeysa in la bedelo.

 

Guud ahaan, ninka xogtan soo siiyay Wargeyska Haatuf, wuxuu sheegay inuu aad uga naxay wadankan soo koraya ee Somaliland ee u baahan in la caawiyo iyo hantida intaa le’eg ee wasiirkeedu ku soo shubtay xisaabaadka Baananka Scot Bank iyo ABBI Bank oo uu sheegay inuu indhihiisa ku arkay magaca Wasiirka iyo tirada lacagtaba.

Run ha ahaato ama wax haka dhinaadeene, warka ninkaasi noo soo diray, waa arrin ka suurto-gali karta Masuuliyiinta xilalka u haya Somaliland qaarkood.

 

Cabdi Aw-Daahir Oo Dacwad U Gudbiyey Guddiyada Diiwangelinta Iyo Doorashooyinka

H

argeysa (Haatuf): Dr, Cabdi Aw-Daahir oo ay hore guddiga fulinta ururka UDUB u sheegeen inay ka qaadeen xilkii xoghayaha guud ee UIDUB si adag u dooday inuu yahay xoghayaha guud ee UDUB ee sharciga ah, isla markaana waxa uu dacwad qoraal ah u gudbiyey labada guddi ee diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ta doorashooyinka, isaga oo guddiyadaa ka codsaday inaanay cid kale u aqoonsan xoghayaha guud ee ururka UDUB.

 

Cabdi Aw-Daahir waxa uu sidaa ku sheegay qoraal laba boq ka badan oo uu ku socod-siiyey labada guddi ee diiwaangelinta iyo doorashooyinka, isla markaana ogaysiiyey dhinacyo ay ka mid yihiin: Maxkamadda gobolka Hargeysa, Maxkamadda sare ee distooriga ah iyo golaha dhexe ee UDUB.

“Markii ay taariikhdu ahayd 4. 11.2002 waxaan cadeeyey inaanu isu taagi doono musharaxnimada madaxweynenimada, hadii uu ururkayga UDUB ii doorto, iyadoo uu taa ii ogolyahay qooddobka qoddobka 6aad ee xeerka ururka”ayuu Cabdi ku yidhi qoraalkiisa, wuxuuna intaa ku daray “5/11/2002 ayaa shir qarsoodi ah lagu qabtay madaxtooyada oo ay isugu yimaadeen xubno ka mid ah guddiga fulinta, shirkaas oo aan waafaqsanayn xeerka ururka , qoddobkiisa 15aad, xarafkiisa 6aad oo xoghayha guud awood u siinaya inuu qabto waqtiga shirka aan caadiga ahayn guddiga fulinta, aniga oo markaa joogay xafiiska ururka, taas oo ay ahayd shirka lagu qabto xafiiska ururka halka madaxtooyada lagu qabtay, shirkaasna waxa lagu gaadhay go’aan aniga igu soo gaadhay qalabka warbaahinta waxayna ku sheegeen go’aankaa inay xilkii ka qaadeen xoghayaha guud, laakiin qaabka loo adeegsaday waxay ahayd sharci daro, waayo xoghayaha guud waxa xilka ka qaadi kara ama u dhiibi kara golaha dhexe ama shirweyne, sida ku cad qoddobka 12aad, xarafkiisa 3aad”.

 

Dr Cabdi Aw-Daahir waxa uu qoraalkiisa ku xusay qoddobo badan oo uu ku tilmaamay kuwo loogu dhaqaaqay si sharciga ururkooda baalmarsan, sidaa darteed uu qaabka xilka looga qaaday u arko sharci daro, mar hadii sidaa tahayna waxa uu ku dacwiyey inuu isagu yahay xoghayaha guud ee sharciga ah ee ururka UDUB, isla markaana uu u taagan yahay musharaxnimada madaxweynenimada ee ururka UDUB.

 

Qoraalkan dacwadda ah ee uu Cabdi Aw-Daahir u gudbiyey guddiyada diiwaangelinta iyo doorashooyinka waxa uu ku soo beegmay, iyadoo jagada xoghayaha guud ee ururka UDUB loo magacaabay Maxamed Ismaaciil Bulaale oo ay dhalasho ahaan Cabdi Aw-Daahir isku beel ka soo jeedaan, sidaa darteed Cabdi Aw-Daahir waxa uu qoraalkiisa si dad-ban ugu xusay magacaabidda cusub ee jagada xoghayaha guud ee UDUB, wuxuuna isaga oo arintaa ka hadlaya yidhi “Guddiga diiwaangelinta waxaan ka codsanayaa inaan cid kale loo aqoonsan xoghayaha guud  ee UDUB oo aan ahayn kii sharciga ahaa oo ah Cabdi aAw-Daahir, bacdamaa cid kale la soo dhoob-dhoobay, taas oo aan waafaqsanayn xeerka ururka UDUB ee aad diiwaangeliseen, isla markaana ay qaabka loo maray tahay burburin xeerka ururka ah”.

 

“Reerkii Dhibta Geystay

Ismaanu Arag, Waxaanu La Kulanay Dawladda Iyo Masuuliyiinta Gobolka”

Shir-Jaraa’id – Beelihii ay ka dhasheen dadkii ku dhintay Shaqaaqadii Burco

B

urco (Haatuf): Eheladii dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay dhacdadii dhulka ku saabsanayd ee Burco dadku ku dhinteen, dad badanina ay ku dhaawacmeen 22 bishan, ayaa shalay Shir-jaraa’id oo ka dhacay magaalada Burco si wadajira uga hadlay mowqifkooda ay ka taagan yihiin waxyeelada ka soo gaadhay arrintaa.

 

Axmed Aadan oo ka tirsan Hawlwadeenada Haatuf ee Gobolka Togdheer oo arrintaa ka soo waramay, ayaa sheegay in Shirka Jaraa’id ee ay eheladaa dadkii ku waxyeeloobay dhacdadu Burco ay daba socotay war iyo Shir-jaraa’id ka baxay warbaahinta, gaar ahaan TV-ga Burco oo ay qabteen Beeshii lagu eedeynayay waxyeeladii ka dhacday magaalada Burco 22-kii bishan.

Warkani, wuxuu intaa ku daray in dadka ku dhintay gacan ka hadalkaas hore u dhacay ay ka soo kala jeedaan afar beelood, iyadoo afarta beeloodba ay shalay ka qayb-galeen shirka Jaraa’id ee ay u qabteen waxyeeladii gaadhay iyo cida ay ku eedaynayaan.

 

Shirkaa Jaraa’id, wuxuu ku bilaabmay hadal uu ka jeediyay Gudoomiye Axmed Cige Maxamuud oo yidhi; “Halkan waxa fadhiya dadkii ay ka dhinteen walaaladood iyo Aabayaashood, waxaanu leenahay marka hore sidaad u samirteen hore iyo haddaba u samra, haddii waxyaalo yaryar oo hadal ahi jiraan aynu imikana u samirno, waxaa kale oo aanu u tacsiyadaynaynaa dadweynaha reer Burco, hooyooyinka waayay carruurtoodii, Aabayaasha ay dhinteen wiilashoodii, dumarka ay ragoodii ku dhinteen mashaqadaa iyo carruurta yaryar ee agoonowday, iyana waxaanu leenahay samir iyo iimaan. Waxaan mahadnaq u soo jeedinayaa hawsha dhacday dadkii wanaaga ku galay ee isku taxalujiyay in aan xumaantu fidin ee wanaaga iyo wadajirka ka shaqeeyay, aad baan ugu mahadcelinayaa, Illaahay kheyr ha idinku abaalmariyo ayaan leeyahay, dadkaas oo farabadan, ayna ka mid yihiin masuuliyiinta Gobolka, masuuliyiinta dawladda ee arrintaa loo soo diray, waxaanu halkan ku joognaa afartii beelood ee dadkooda lagu laayay dhacdadaa, waxaanu nidhi amniga aynu adkeyno, dadka la laayay waxay ahaayeen dad aan waxba galabsan, afartayada beelood midba jaho ayay magaalada ka soo gashaa, waxaanu heshiis ku nahay in aanu nabadgelyada adkeyno, marka dhibtu dhacday reerkii dhibta geystay ismaanu arag, waxaanu la kulanay dawladda, masuuliyiinta gobolka iyo weftigii Hargeysa ka yimid.”

 

Axmed Cige Maxamuud, wuxuu shirkaa Jaraa’id ka sheegay in arrintu kala cadaato oo haddii ay dawladdu leedahay anagaa khaladka lahayn, markaa loo raaco masuuliyiinta gobolka haddii cid loo daba joogana cidii la soo qabto oo sharciga la mariyo. Waxaa kale oo uu Axmed Cige hadalkiisa ku daray oo uu yidhi; “Dawladda markii aanu hadalka isku celcelinay, waxaanu isla qaadanay in hadalkayagu yahay macquul meel loo dhaafaana aanay jirin, tallaabadii ugu horeysay ee dawladdu qaaday waxay ahayd, waxay soo qabqabatay qaraabadii dadkii dhibka geystay, waxaa iyana jirta shir saxaafadeed ay qabteen eheladii gacan ku dhiiglayaasha, reer ahaanna ay u qabteen Jaraa’idka iyo Telefiishanka. Arrintaas markaanu aragnay aad iyo aad ay noo dhibtay in dadkii iyagu dhibtan geystay ee xaga dawladda iyo xaga shicibkaba laga ogyahay ay shir jaraa’id qabtaan oo ay yidhaahdeen wax lanagu leeyahay ma jirto, dawlad ayaa loo raacayaa, waa mid aad loola yaabay.”

Ayaanle Cismaan Ibraahim oo ka mid ahaa odayaasha beelaha ay waxyeeladu ka soo gaadhay shaqaaqada dhawaan ka dhacday Burco, ayaa isna yidhi; “Waxaa la arki jiray gacan ku dhiigle baxsada oo ummaddu ku dhibaatooto oo la yidhaa la waaye maxaa xal ah, waxaa la yaab leh gacan-ku-dhiigle Wargeysyada iyo Telefiishanka u waramaya oo isagu soo indho cad.”

 

Iftiinka Islaamka

 

Zakaatul Fidriga

Z

akada Fidriga waxaa looga jeedaa zakada ama quudka la bixiyo maalmaha ugu dambeeya ee bishan barakaysan ee ramadaan ama maalinta koowaad ee bisha xigta Ramadaanta ee Shawaal, waxaa kalo lagu macneeyaa sadaqada Fidriga. labadaa magac ama tilmaamood ee aan sheegnayna waxay sal ku leeyihiin sharciga oo sidaa u qeexay.

Waxaa hadaba sidaa loogu magacaabay iyadiiyoo ay tahay quud si sadaqo ah loo bixinayo, tan oo looga jeedo in ajar iyo xasanad lagaga helo xaga rabi iyo dhamaystir ku jeeda bishan barakaysan ee Ramadaan.

 

Sidoo kale waxa ay in badan oo culimada ka mid ahi sheegaan in zako loogu magaacaabay maadaama uu yahay falkani mid lagaga doonayo xaga rabi dahirnaan. Sida qoran wax wayn bay ka tari doontaa bixiyaha sadaqadaa hadii uu waqtigeedii ku bixiyo islamarkaana uu siiyo cidii xaqa u lahayd ee mudnayd.

Waqtigii la Jideeyay Zakada-fidriga

Zakada-fidriga waxaa la jideeyay sanadkii labaad ee hijriyada-waqtigii Ramadaanta, sida qoran zakada waa arin ay si baahsan oo xeel dheer uga Warantay shareecadu gaar ahaan marka laga hadlayo dhanka quraanka iyo xadiiska labadaba. Akhqi qoowlka Ilaah. "Waxaa aflaxay kii zako la baxay" 9:Al-shamsi, Cumar ibnu Cabdilcaziiz waqtigii uu madaxa Muslimiinta ahaa waxa uu akhrin jiray aayadan kadibna waxa uu fari jiray dadka si ay zakada ula baxaan.

Cikrimaa laga sheegay inuu yidhi markii uu ka waramayay aayada "Waxaa aflaxay kii zako la baxay" waa qofka la baxa zakada-fidriga ka hor inta aan la tukan salaada ciida. sidoo kalaa in badan oo salafkii hore ahna ay yidhaahdeen.

 

Waxaa saxaabadu sheegeen in Suubanoow nabigeenii uu Waajibiyay sakada-fidriga, sidan bayna Muslimiintu isku raaceen kuwii hore iyo kuwii dambaba. Reer Madiinana waxay ahaayeen kuwa aan aragba zako ka fadli badan tan fidriga.

Ibnu mundur iyo qaar kale oo raga cilmiga ah ayaa iyaguna isku raacay oo qalinka ku duugay waajib ahaanshaha Zakada-fidriga.

 

Waxaynu hadaba odhan karaa Intaa ku filan Cadaynta halka ay sharciga ka taagantahay Zakada-fidrigu, sida aan horayba uga hadalay tani waxa ay qayb ka tahay, doonista uu sharcigu doonayo in laga dahiro nafta dhaqanno badan oo aan fiicnayn sida bakhiilnimada, iyo dhamaan akhlaaqda aan hagaagsanayn, iyo dhamaystirka dahirnaanta soonka tan oo looga jeedo in lagu kabo xoogaagaa sadaqada ah ee uu adoonkaa Illaahay dhiibtay, wixii dhacdhac ahaa ee ka fakaday intuu uu gudanayay acmaashii Ramadaanta.

 

Tan ugu muhiimsan ayaa iyana ah in maalintaa ciida laga furto dadka masaakiinta ah baryada iyo halkii ay ku wareegi lahaayeen aqalada dadka, oo hadii la siiyo maalintaa xoogaaga yar ee sadaqada ah waxay ka deeqaysaa baryada maalintaa ciida ah ee dadka muslimka ahi oo dhan ay faraxsanyihiin.

Ibnu Cabaas waxaa laga wariyay in uu Nebigu N.N.K.H.A "u waajibiyay sakada-fidriga, daahirinta qofka sooman iyo quudinta Masaakiinta" waxaa weriyay Abuu daa’uud.

 

Waxaa kaloo si toos ah uga muuqanaya waajib yeelida sakada-fidriga

* Muujinta ku mahadinta Illaahay dhamaan galadaha uu ku siiyay ee ah; in aad ku dhamaysatay bishii ramadaan iyo gudashadeedii sidii uu Illaahay doonayay, iyo weliba sida uu Illaahay kuugu fududeeyay in aad ku dhaqaaqdo falalka hagaagsan ee uu isagu raaliga ka yahay.

 

* In si dhan loo qaybsado faraxa iyo jacaylka walaaltinimo ee bulshada dhexdeeda.

­    Yeey Ku Waajibtaa Zakada-Fidriga

Zakada-Fidriga Waxay ku waajibtaa qofwalba oo Muslim ah lab ama dhedig, reer badiye ama reer magaal, waxaa si guud ay ugu waajibtaa qof walba oo Muslim ah, sidaasay xataa muslimiintii hore ay ka bixin jireen zakada fidriga haweenka uurka leh.

 

Waxayna ku waajibin oo aan laga doonaynin zakada-fidriga Agoonta, dadka waalan, iwm, kuwan waxaa kabixinaya hadii ay jiraan dadka iyaga mas’uul ka ah isalamarkaana u haya wax hanti ah oo ay iyagu leeyihiin, waxaa laga weriyay in uu Nebigu yidhi N.N.K.H.A "ka bixiya Zakada-fidriga dadka idinku hoos nool"

­     Raashinka Nooca la doonayo in laga bixiyo Zakada-Fidriga.

Waxa ay Bukhaari iyo muslimba qoreen iyagoo kasoo xiganaya Saciid al-khudri in uu yidhi "waxaanu bixin jirnay- Zakada-fidriga- waqtigii Nebiga N.N.K.H.A Cunto Badar ah, ama Timir ah, ama Galay ah, ama Zabiib ah,......”.

 

Weedh kale oo isla Isaga laga soo xigtay ayuu ku yidhi "Raashinkayagu waaga waxa uu ahaa Galay, Zabiib, Caano la fadhiisayay, iyo Timir"

 

Sida qoran waxaa ugu fadli badan in lagu gaabsado inta nooc ee raashin ah ee lagu sheegay axaadiistii Nebiga N.N.K.H.A, waxaa sidoo kale qoran iyana in la bixin karo waxa ugu fiican ee markaa anfacaya dadka masaakiinta ah ee ujeedaduba tahay in maalintaa laga deeqo baryada badan iyo ku wareega xaafadaha. akhri qoowka Illaahay "Ma gaaraysaan qiimaha samafalka ilaa aad bixisaan waxa aad ugu jeceshihiin"2:91.

 

Jamaacad kale oo culimada ah ayaa iyaguna qaba in lagu bixin karo zakada-fidriga ee maalintaa wax walba oo u samaysan qaabka midhaha, sida galayda, timirta, zabiibka.iwm sidana waa tan uu qabo ibnu taymiyah..waxaanuu soo qaatay weedhe Eebbe ee odhanaysa "tan sida badan aad ku quudisaan reerihiina"..wuxuu uga jeedaa ku bixiya zakada-fidriga waxa sida badan aad quudataan ama aad ku quudisaan reerihiina.

 

Halkan waxaa laga cararayaa in ay noqdaan waxa ay dadku u bixinayaan sadaqada wax liita iyo dhanka kale in dadka qaar wax ayna awoodin madaxa laga saaro oo markaa ay ku cuslaato.waana sida in badan oo culimada ah ayqabaan, waana kan ugu dhow xaga sharciga marka loo eego.

 

Ibnu qayim waxa uu yidhi markii u ka hadlayay arintan "tani waa sida saxa ah, waana sida aan la odhan waxaan iyadaa ahayn, maadaama ujeedada ugu wayni ay tahay in masaakiinta la iska hortaago wareega iyo baryada xaafadaha maalintaa ciida iyo weliba in loo yabooho in ay cuni doonaan ama ay heli doonaan maalintaa sida badan waxa ay dadka magaaladaasu quutaan. waana halka uu Nebigu

 

N.N.K.H.A yidhi "Ka deeqa maalintaa wareega xaafadaha iyo baryada masaakiinta"

Sidaasi hadaba waa sidii ay u arkeen culimadu Naxariistii Janno allaha siiyee laakiin waxaan shaki ku jirin in hadii la helo iyo hadii la waayaba ay tahay maalintaa in la bixiyo waxa ugu mudan ee ay quutaan dadka Muslimiinta ah ee degan magaalada.

 

Rag badan oo culima ah ayaa iyagu ku adkaystay in ay bixinayaan un oo keliya tii ay ku arkeen axaadiista Nebiga N.N.K.H.A, sida laga soo xigtay abuu saciid RC in uu yidhi anigu waxan u bixinayaa sidii aan u bixin jiray waqtigii Nebiga..Waxa uu ugal jeedaa cunto uun quud ah. Markii uu sidan odhanayay Saciid waxa uu arkay baa la yidhaahdaa dad bixinaya wax kale.

­     Imisaa la bixinayaa Zakada Fidriga.

Waxay Sugtay axaadiista Nebigu N.N.K.H.A in "Nebigu waajibiyay Zakada fidriga in la bixiyo Afar Sacab..Sacabkana waxaa lagu qiyaasaa in uu ka dhigan yahay muga labadaada gacmood oo la isu geeyay oo galay ah, ama Zabiib ah, ama Bur ah, Iwm, Marka loo badalo dhanka kiilooyayntana waxaa lagu qiyaasaa 2.500Kg Labo kiilo iyo badh, waxay kaloo culimadu qabaan wixii intaa dheer in ay u noqonayso qofka la baxaya sadaqo hor Illaahay ah. Waana halka uu rabigu ka yidhi "Qofkii sameeya wax yar oo khayr ah wuu arki"

­     Waqtiga la Doonayo in La bixiyo.

Bixinta Zakada-fidriga waxa ay leedahay laba waqti

1 - waa Waqtiga ugu fadliga badan waana laga bilaabo marka ay qoraxdu dhacdo habeenka ciida ilaa laga gaadho waqtiga Salaada Ciida, waxaana ugu sii hagaagsan inta u dhaxaysa Salaada subax ee Maalinta ciida ilaa laga tukado Salaada Ciida Waana sida qoran, waxaa laga weriyay Ibnu Cumar RC in uu yidhi waxaa la faray in lala baxo inta aan la aadin salaada ciida ka hor. Waxay hadaba halkaa ku fasiraan culimada weedha Eebbe ee odhanaysa "waxaa aflaxay qofkii la baxa Zakada, ee  xusa magaca Rabigiisa tukadana".

 

Waxay culimadu halkaa ka cadaynayaan in tartiibtaa Illaahay ku waday ay tahay in loo wado, ugu horayntaba in Zakada-fidriga lala baxo, dabadeedna xagaa iyo salaadii ciida iyo xusidii Eebbe loo dhaqaaqo. sidana waa sida in badan oo culimada ah ay isku raacsan yihiin.

2 - Waqtiga ay kaa gudayso..waxaa lagu sheegaa in waqtigani uu yahay maalin ama laba maalmood maalinta ciida kahor, waana sida uu weriyay bukhaari "waxay ahaayeen saxaabadu kuwa siiya masaakiinta inta aan la afurin maalin ama laba maalmood ka hor ciida" arintaasuna waxa ay ahayd mid ay isku raacsanayeen.

 

Sidoo kale xadiiskii Cabdulaahi ibnu Cabaas ayaa sheegaya isaguna in uu Nebigu N.N.K.H.A yidhi "Qofkii bixiya salaada ciida ka hor waa zako la aqbalay..qofkii bixiyase salaada ciida ka dib waa sadaqo ka mid ah sadaqooyinka maalin walba la baxsho"Waxaa soo saaray abuu daa’uud.

Ibnu qayim waxa uu yidhi intaas oo idil waxaa laga fahmi karaa in ayna banaanayn in laga dib dhigo waqtiga salaada ciida kadib. waxaa looga jeedaa iyadiiyoo ayna jirin wax cudurdaar ah oo oo ku kalifay in uu qofku ka dib dhigo waqtigaa Zakada-fidriga

 

Waxayse raga diinta aadka u fahamsan isku raaceen in qofka lagu leeyahay zakada-fidriga ayna uga hadhayn kadib dhigida uu ka dib dhigay waqtigii loogu tala galay ee uu faray sharcigu in lagu bixiyo, balse ay tahay dayn lagu leeyahay oo laga doonayo in uu gudo waqtigii markaa ay usuurogasho waa salaada ka dib’e. Waxay kaloo culimadaasu qabaan in hadii uu qofku si ula kac ah uga dib dhigo waqtigeeda Zakada-fidriga uu ku mudanayo dembi, islamarkaana uu ku kacay fal xaaraan ah, dembigaana uuna ka dhacayn ilaa uu bixiyo Zakadaa lagu leeyahay.

­     Yaa Mudan Zakada-fidriga oo La Siinayaa

Sidii aynu soo sheegnay waxaa laga weriyay cabdulaahi ibnu cabaas RC in uu yidhi "waxa uu u waajibiyay Nebigu N.N.K.H.A Zakada-fidriga, in ay ka dahirto Qofkii bishaa Soomay wixii dembi yaryar ee ka dhacay, iyo quudinta masaakiinta" sida ku cad xadiiska waxaa waajib ah in lagu wareejiyo Zakadaa dadka masaakiinta ah...

 

Culimada badhkood, ayaa qaba in la bixin karo qiimaha Zakaatul Fidriga oo lacag ah, balse waxa fadli badan cuntada oo la bixiyo.

 

Dildilaacii Ubaxa iyo Kacaankii Dhergiga

“A

rrintaa aad bay shicibku noogaga soo horjeestay oo noogu naceen, waxaanuna gaadhnay heer aanu nacno xataa xidhashadii dirayska, ka dibna markaas ayaanu saraakiishayadii dhalinyarada ahayd bilownay inaanu samaysano xidhiidh noo gaar ah, taasiina waxay noqotay  wareegi saddexaad ee dhaqdhaqaaqa.

 

Kornayl Yalam Sawda iyo ragiisii inta ay u dhaqmaan sida ay iyaga la tahay ama ay danahooda eegeen ayey soo noqdeen iyaga oo aan wax jawaab ah ka sidin wixii ay ciidamada iyo shicibku doonayeen, waayo markoodii horeba way ku qanacsanaayeen maamulkii boqortooyada, ka dibna inta la iswaydiiyey arinta sida laga yeelayo ayaa la go’aamiyey inaanay shirarka ka soo qayb gelin wixii abaanduule iyo wixii ka sareeyaa, taas oo la yidhi ragga shirarka tegayaa hadda ka dib waa inaanay derejo ahaan ka sarayn gaashaanle, waqtigaasina waxa uu ahaa marxalad uu dareenka kacaanku aad ugu fiday ciidamada dhexdooda”, sidaa waxa yidhi Mingistu Xayle Mariam oo ka waramaya sidii uu ku bilaabmay dhaqdhaqaaqii kacaankoodu. Laakiin waxa uu si gaar ah uga sheekeeyey sidii uu ku bilaabmay dhaqdhaqaaqii magaalada HARAR, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay:

 

“Bilihii ugu horeeyey dhaqdhaqaaqyadii xubnahayagii Harar joogay, waxaanu u shaqayn jirey ama u wada socon jirey had iyo goor si wada jir ah, dhaqdhaqaaqyadaasin waxay ahaayeen kuwo mar walba dhegaysanaya codka ciidanka ee ku dhawaaqaya “Waxa jirta dhibaato”, toddobaad walba waxaanu yeelan jirey shirar. Xiligaa waxaanu waraysi la yeelanay ciidan la dulmiyey oo dacwad ku soo oogay janaraal Xayle Bakadaani, waxaanuna bilownay inaanu arimaha siyaasadda ka hadalo anaga oo isu ekaysiinayna inaanu ka hadlayno ciidamadii la dulmiyey, laakiin taa waa nalagu fahmay, waayo sarkaal la odhan jirey Janaraal Dagina Gugsa ayaa Adis-ababa nalooga soo diray, wuxuuna imaatinkiisu la xidhiidhay in ciidanka dib-uhabayn lagu sameeyo, balse ma hubo cidda sabab u ahayd soo diristiisa. Laakiin Janaral Dagina xiliyo hore ayuu joogi jirey Harar, xiligaasna waxa uu ahaa nin kalgacayl badan ka mutasytay ciidamada, sidaa darteed waxaan filayaa in sababta isaga loo soo diray ahayd iyadoo la isyidhi hawshaa ciidamada Harar wuu ka soo qaban karaa, maadaama uu ahaa nin halkaa laga jeclaa.

 

Janaral Dagina markii uu yimi Harar ayuu aniga ii yeedhay, ka dibna xafiiska ayaan ugu imi, wuxuuna igu yidhi“Jawigu ma wanaagsana, halkana kugulama hadli karo, waxa wanaagsan inaynu meel kale ku kulano”, ka dibna waanu ballanay, dabadeedna kulankii aanu u ballanay ayaanu yeelanay, wuxuuna iila hadlay si waalinimo ah, wuxuuna igu yidhi “Waxa aad samaynaysaan waa la ogaaday, sidaa darteed aniga waxa la ii soo diray inaan idin waaniyo, markaa hadii aniga si waalidnimo kuu waaninaya waxaan doonayaa inaad is ilaaliso”. Intaa ka dib sababtii uu u yimi ayuu damcay inuu kala hadlo ciidanka, laakiin ciidankii waxay u direen fariin, waxayna yidhaahdeen “Meesha kulanku ka dhacayaa hadii aanay ahayn xerada kaydka hubka ma imanayno, ta kale ilaa aanu anagu kuu yeedhno ha isku iman xerada”, laakiin anaga ayaa ciidankii la shiray oo arintaa kala hadalay, waxayna na waydiiyeen “Janaraal Dagina muxuu doonayaa”, waxaanuna u sheegnay in loo soo diray odaytinimo, taasna way qaateen oo wuu la hadlay, ka dibna waxa uu janaraal Dagina ku laabtay Adis-ababa,, laakiin waxa hadana yimi wefti ka kooban afar janaraal oo uu hogaaminayo janaraal Walda Salaase, waxaana naloo sheegay inay janaraaladu u socdaan inay ciidamada wada hadal la yeeshaan, ka dibna waxaanu soo diyaarinay raggii la hadli lahaa iyo doodii aanu hordhigi lahayn, laakiin waxa hadana naloo sheegay inay qayb kasta oo ciidanka ah meeshooda ugu tegayaan oo waraysi la yeelanayaan, isla markaana ay yidhaahdeen ciidanku iyaga oo wada jira ama isu dhan lama hadlayno, taas oo ay barnaamijkoodiina diyaarsadeen , dabadeedna waxay barmaamijkoodii wada hadalka iyo saacadda ay nala kulmayaan, waxaana barnaamijkaasi u qorshaysnaa inay ciidamada isgaadhsiintu xeradooda ku sii diyaar garoobaan oo halkaa lagula hadli doono, sidoo kale kooxda fanka iyo qolada gaadiidkuna xerada kaydka hubka ku diyaar garoobaan. Hase yeeshee janaraalada sababta ay ciidamada gooni-goonida ugula shirayeen waxay ahayd inta ay ciidamadu kala qayb-qaybsamaan ay dabadeed meesha ka dhex-kaluumaystaan cidda dhaqdhaqaaqan ka dambaysta ama hormuudka ka ah, anagana arintaasi may ahayn mid noo cuntamaysay, dabadeedna waxaanu go’aan adag, waxaanuna nidhi “Janaraaladu hadii ay doonayaan inay ciidanka wada hadal la yeeshaan waa inay iyaga oo isu dhan wada hadalka la yeeshaan, hadii kale oo ay kala qayb qaybiyaan ma yeelayno”.

 

Xiligaa waan xusuustaa waxay ahayd maalin Sabti ah, waxaana nala yidhi xerada haka bixina, laakiin inta aan soo diyaariyey ilaa shan iyo toban dubaabadood oo ay saaran yihiin qoryaha Mishigaanku ayaan taliye unug uga dhigay nin la yidhaahdo Damaqe Baanjaw, taliye-xigeena uga dhigay nin la yidhaahdo Adfaare, waxaana dabaabadahaa iyo ciidanka wata u diray meesha ay joogaan janaraaladu, dabadeedba markii ay meeshii ay janaraaladu joogeen tageen ayey hubka ka dhigeen ilaaladii weftiga janaraaalada, ka dibna taliyhii unugga dabaabadaha, Damaqe ayaa inta uu janaraaladii is hor taagey oo salaan ku gaadhay ku yidhi “Taliyayaal ciidanka ah ayaa doonaya inay wada hadal idinla yeeshaan , sidaa darteed idinka oo raali ah ina keena”, laakiin waxay markiiba u fahmeen inay taasi tahay khasab in lagu kaxaynayo, waxayna yidhaahdeen “Waayahay”, ka dibna inta ay soo kaakaceen ayey fuuleen baabuur Landarover ah oo ay wateen, dabadeedna ciidankii aan u diray inta ay nimankii janaraalada ahaa dubaabadihii xagga hore iyo xagga dambeba ka soo mariyeen ayey soo kaxeeyeen oo ay ii keeneen. Waxaan lahaa xafiis yar, dabadeedna nimankii janaraalada ahaa waxaanu ku xidhnay xafiiskaygii oo aanu dusha kaga qafilay, waxaanuna la xidhnay taliyihii qaybta Harar, janaraal Naga Tagani. Intaa ka dibna niman ay ka mid yihiin Lagasa Asfaaw, Damaqe Baanjaw iyo Naguse Faanta ayaa u tegay janaraaladii oo la hadlay.

 

Ninka la yidhaahdo Damaqe Baanjaw waxa uu ahaa nin calool-adag oo haybad askarinimo leh, sidoo kale Lagase waxa uu ahaa nin ku fiican dhinaca dhiirigelinta iyo abaabulka degdegga ah, waxayna nimankaasi ku yidhaahdeen janaraaladii “Waxa jira su’aalo qoraal ah oo ay ciidanku doonayaan in looga jawaabo, sidaa darteed waa inaad boqortooyadii telefoon u dirtaan oo aad arimahayaga nooga dhamaysaan, sidaa marka aad noo yeeshaan waanu idin sii daynaynaa, arintayadu waa intaa , isla markaana sida uu sharcigu yahay waxay ahayd inaad hortagtaan ciidanka, anaguna aanu halkaa su’aalahayaga ku soo bandhigno oo aad waxa aanu doonayno naga gaadhsiisaan boqortooyada, hase yeeshee maadaama aad idinku diideen wanaagii waxa khasab nagu noqotay inaanu awood isticmaalno”, intaa ka dibna waxay janaraaladii ku jawaabeen “Su’aalihiina waxaanu telefoon ugu sheegaynaa Liij Indhalshaw (Wasiirka madaxtooyada)”, laakiin hadana Lagase ayaa ku yidhi “Ciidanku waxay codsadeen in boqorka toos loogu gudbiyo, mana doonayno jawaabta uu bixiyo Liij Indhaalshaw”, hadana janaraaladii waxay yidhaahdeen “Waa isku mid Liij Indhaalshaw iyo boqorka mid aanu u sheegnaaba, waayo Liij Indhaalshaw waxa uu koleyba u sii gudbinayaa boqorka, ka dibna waxa uu soo sheegayaa jawaabta uu boqorku ka bixiyo arintaa, markaa tani waa maxay dhibaatada ay taasi leedahay ”. Dabadeedna markii ay halkaa maraysay ayey aniga (Mingistu) dib iigu soo noqdeen oo ay ii sheegeen wixii ay janaraaladu ku yidhaahdeen, waxaana ku idhi “Dhibaato ma laha hadii arinta loo sheego Liij Indhaalshaw oo uu jawaabta boqorku soo diro”.

 

Su’aalaha aanu soo diyaarinay waxa ka mid ahaa nimankii dulmiga loo haystay oo lagu soo eedeeyey inay shicibka dulmiyeen, kuwaas oo aanu cadaymahooda haynay waxay isugu jireen saraakiil ciidamada ah iyo kuwo ciidamada ah, waxa kale oo taa noo wehelisay anaga oo lahayn taliyayaasha ciidamada hebel ioy hebel ha nalaga bedelo.

 

Waxa dhacday in la xidh-xidhay niman ay ka mid yihiin Janaraal Ababe Gamadaa, Janaraal Xayle Baykadaani iyo qaar kale, laakiin inta dembigoodii la iska ilaaway ayaaba la dalacsiiyey, waxaana janaraal Ababe ioy janaraal Xayle Baykadaani laga dhigay taliye-xigeenada ciidamada dhulka. Sidoo kale janaraal Asfaa oo aanu dalbanay in la soo xidho oo ka mid ahaa ragga eedaha loo haystay ayaan cidina soo qaban, waxa kale oo iyaguna jirey su’aalo kale oo la xidhiidhay dulmiga loo geystay shicibka.

 

Jawaabtii boqorku way timi, ka dibna nimankii janaraalada ahaa way noo soo sheegeen, waxayna sheegeen in arimaha qaarkood hadda la fulinayo, qaarna ay waqti u baahan yihiin, anagun waayahay ayaanu ku nidhi, laakiin waxaanu codsanay in su’aalaha aanu soo jeedinay iyo jawaabaha ay boqortooyadu ak bixisay laga sii daayo Idaacadda, waxaanuna nidhi “Arintaasna waxaanu ka sugaynaa in warka sideeda fiidnimo laga sii daayo”, janaraaladii waxay noo sheegeen in la yeelayo sida aanu codsanay.

La soco cadadka dambe

 

 

Dhalinyarada Boorama Oo ka Shiray Adkeynta Nabadgelyada Xiliga Doorashooyinka Deegaanka

B

oorama (Haatuf): Kulan ay soo qabanqaabiyeen dhallinyarada ururka Da’samo ee Boorama, ayaa shalay lagu qabtay magaalada Boorama. Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal, Maxamed Cumar, ayaa soo sheegay in kulankaasi uu ahaa mid aad u ballaadhan, marka la eego sida ay uga soo qayb-galeen dhallinyarada ururka Da’samo oo ah urur dhallinyaro oo xaruntiisu thaay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

 

Kulankaas, waxaa ka hadlay Gudoomiyaha ururka Da’samo ee Boorama, Jaamac Yuusuf Axmed oo ka hadlay sameeynta ay nabadgelyada magaalada Boorama ku yeelan karaan rabshado ay ku kaceen in muddo ahba, kuwaas oo soo kordhay dhawaanahan, waxaanu soo jeediyay Gudoomiyuhu in laga waantoobo rabshadahaas aan ujeedada lahayn, waxaanu sheegay in ururka Da’samo oo ka soo horjeeda rabshadaha gacan-ka-hadalka ah ee ay ku kaceen kooxo dhallinyaro reer Boorama ahi.

Hogaanka ururka dhallinyarada ee Da’samo iyo xubnahoodu ku kulmay shirkaasi, waxay isla qaateen in laga warhayo cida ka qaybqaadata falal waxyeelaya nabadgelyada magaalada Boorama, xaafadaha kala duwan ee magaaladaas ee ay ku nool yihiin xubnaha ururka Da’samo oo ay wargeliyaan ciidanka nabadgelyada.

 

Wariye Maxamed Cumar, wuxuu intaa ku daray in ugu dambeyntii ka qayb-galayaashii shirkaa dhallinyarada ee ururka Da’samo in ay ku balameen sidii loogu foojignaan lahaa ilaalinta nabadgelyada, siiba xiligan doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee magaalada Boorama.

 

 

WAADIGA CIYAAAAAAAAAAAAAAAARAHA

 

Real Madrid Oo Markii Saddexaad Ku Guulaysatay Koobka Qaaradaha (Intercontinental)

Y

okohame (W. Wararka): Kooxda reer Isbayn ee Real Madrid, ayaa ku guulaysatay koobka horyaalka qaaradaha adduunka (intercontinental) ee loo yaqaan Toyota Cup, kaas oo ay sannadkiiba mar iskaga horyimaadaan labada kooxood ee ku guulaysta koobka Liberterdause ee Koonfurta Ameerika iyo koobka Horyaalka Yurub ee Champions, kadib markii ay ka badisay kooxda Olimpia ee Paraguay 2-0 shalay, ciyaartaas oo ka dhacday garoon ku yaal magaalada Yokohame ee dalka Japan.

 

Goolasha Real, waxa u dhaliyay xidiga reer Brazil ee Ronaldo iyo Guiti daqiiqadihii 4aad iyo 84aad, waxana Ronaldo loo doortay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ama xidigii ciyaartaas shalay, waxana la gudoonsiiyay Jaa’isad ah gaadhi ay Shirkadda Toyota bixisay.

 

Kooxda Real Madrid, markii saddexaad ee ay ku guulaysato koobkan Intercontinental, waxaanay barbaraysay tirada inta jeer ay koobka qaadatay kooxaha Nationale, Benarol oo ah (Uruguay) iyo kooxda Talyaaniga ah ee AC Milan oo mid waliba saddex goor ku guulaysatay koobkan.

Real Madrid, waxa ay hore ugu guulaysatay koobkan (Intercontinental) sannadkii 1960-kii, kadibna waxa uu mar labaad ku guulaystay sannadkii 1998-kii, waxaanu ku khasaaray ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee sannadkii 2000, taas oo ay ka badisay kooxda reer Argentine ee Boca Junios. Guushanise, waxay ku soo beegan xili ay kooxda Real u dabaaldegayso sannad-guuradii 100aad ee aasaaska kooxda. Halka ay kooxda Olimpia markii labaad ku guuldaraysatay koobkan Intercontinental, kadib markii ay hore ugu guuldaraysatay sannadkii 1970-kii.

Si kastaba ha ahaatee, marka aynu u soo noqono ciyaartii shalay, waxa ay kooxda Real mutaysatay guusha ay gaadhay marka loo eego sida ay ciyaarta ugu gacanta saraysay 90-kii daqiiqadood ee ay ciyaartu socotay, iyadoo ay hubaal ahayd in ay goolal intaa ka badan dhalin lahaayeen ciyaartoygeedu, haddii aanay luminin fursado badan oo ay heleen oo qaarkood ay ahaan lahaayeen goolal haddii ay ka faa’iidaysan lahaayeen weeraryahanada Real Madrid, laakiinse ay u suurto-geli wayday in ay dhashadaan oo ay lumiyeen fursado badan.

 

Xidiga reer Brazil ee Ronaldo oo ahaa ciyaartoyga si weyn uga cad-caddaa garoonka shalay, ayaa furay gool-dhalinta daqiiqadii 14aad, kadib markii uu Roberto Carlos oo ah meesha ay weerarada kooxda Real ka unkamayeen khatartoodu kubad baas dheer ah u dhigay ciyaartoyga afka hore isna ka ciyaara ee Raul, dabadeedna uu si farsamo heer sare ahi ku jirto uga dul booday kubada ama u dhaafay, lugta uu ku dhigay Ronaldo, isagoo difaaca la dhaafay, dhinaca bidixna ka dhigay goolwadihii kooxda Olimpia, una saxeexay kooxdiisa goolkii koowaad.

Ronaldo, waxa uu hore laba gool ugu dhaliyay ciyaar uu ku ciyaaray garoonkan uu shalay ku ciyaarayay, goolashaas oo uu ku dhaliyay Xulka Jarmalka ciyaartii kama-dambaysta koobka adduunka ee 2002, isagoo u ciyaara xulka wadankiisa oo uu kooxdiisa u horseeday in ay hanato Koob Adduunka 2002 lix bilood ka hor.

 

Guiti, ayaa isagu u saxeexay goolka labaad, kadib markii uu bedel uu ku soo geliyay tababaraha kooxda Real, isagoo ku bedelay Ronaldo, waxaanu goolkaas u dhaliyay daqiiqadii 84aad ee ciyaartaas, kadib markii kubad koone ah uu soo laaday Luis Figo uuna madaxa ku dhuftay.

 

Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka Hargeysa Oo Digniin U Jeediyay Gaadiidleyda

H

argeysa (Haatuf): Ciidanka nabadgelyada wadooyinka qaybtiisa Hargeysa ayaa shalay soo saaray digniino ay u jeedinayaan baabuurta dadweynaha.

 

Qoraal uu soo saaray taliyaha ciidanka nabadgelyada wadooyinka gobolka Hargeysa, Maxamed Cabdi Liibaan waxa lagu xusay ilaa lix arimood oo ay ciidanka nabadgelyada wadooyinku sheegeen in looga digayo gaadiidka dadweynaha, waxayna sheegeen in cidii arimaha looga digayo ka joogsan wayda laga qaadi doono talaabo. Arimahaa qoraalkaa lagu xusay ee looga digayo gaadiidka dadweynahana waxay kala yihiin:
 “1- Waxa mam-nuuc ah in baabuurta muraayadahooda lagu dhejiyo bacaha mad-madow iyo daahyada lagu xidh-xidho, taas oo ah xaaraan sida uu tilmaamayo qoddobka 39aad ee xeerka nabadgelyada wadooyinka, waxaana hadii sidaa la yeelo lagu mutaysan doonaa ciqaab xadhig, xayiraad iyo ganaax.

2—Waxa xaaraan ah, isla markaana mam-nuuc ah in baabuurta lagu isticmaalo wiishka iyo hoonka aad u dheer ee khal-khalka gelin kara dadweynaha sida uu tilmaamayo qoddobka 38aad ee xeerka nabadgelyada wadooyinka.

3- Waxa mam-nuuc ah in baabuurta yar yar dusha sare loogu xidho laydhadhka yar yar sida uu tilmaamayo qoddobka 85aad ee xeerka nabadgelyada wadooyinka.

4- Waxa mam-nuuc ah in baabuurta la saaro rar ka badan inta loogu talo galay, sida uu tilmaamayo qoddobka 24aad ee xeerka nabadgelyada wadooyinka.

5- Waxa mam-nuuc ah in baabuurta lagu xidho laydhka midabka ah iyo laydhka kulul, sida uu tilmaamayo qoddobka 35aad ee xeerka nabadgelyada wadooyinka.

6- Waxa mam-nuuc ah inay suuqa maraan baabuurta qiiqa badan tuuraysa, kuwaas oo ay xaaraan tahay in la wado suuqa, sida uu tilmaamayo qoddobka 37aad ee xeerka nabadgelyada wadooyinka” intaas ayey ka kooban yihiin arimaha ay ka digeen ciidanka nabadgelyadu inay ku dhaqmaan baabuurtu, laakiin waxay qoraalkooda ku soo afjareen hadalo ay ku xusayaan talaabada laga qaadi doono cidda ku dhaqmi wayda amarradaa, waxayna yidhaahdeen “Iyadoo ay ciidanka nabadgelyada ee dalka oo dhami qaadi doonaan olole ku saabsan arimaha kor ku xusan iyo kuwo kaleba waxa dadweynaha looga digayaa cidii lagu qabto arimahaa arimahaa ay mutaysan doonto ciqaab kulul, mana jirto id sharciga ka saraysa, laakiin cid kasta waxa ka sareeya sharciga, waana inuu qof waliba ka sii tabaabushaysto inta aan ciidanku gacan adag ku qaban, iyadoo ololaha arintaa ku saabsani maalmaha foodda inagu soo haya bilaabmi doono” .

 

 

Burco: Maamulka Ku Meel Gaadhka Ah Iyo Su’aasha Taagan

Fallo: Liibaan M. Shire

 

B

urco (Haatuf): Maayarkii magaalada Burco, Aadan Maxamed Mire (Inawaqaf) iyo kuxigeenkiisii, Maxamed DiiriyeXayd ayaa toddobaadkii hore xilka iska wareejiyey, ka dib markii ay iska sharaxeen ururka UDUB, waxayna xilka ku wareejiyeen xoghayihii dawladda hoose, Sacad Maxamed Sheekh oo hadda ah ninka ku fadhiya kursiga maayarnimo ee magaalada Burco oo ah xarunta gobolka Togdheer. Laakiin su’aasha meesha taal waxay tahay maamulkii Aadan Maxamed Mire (Inawaqaf) oo xilka loo magacaabay muddo hadda laga joogo ilaa shan bilood, muxuu qabtay mudadii uu talada hayey, sidee bayse hadda arintu noqonaysaa.

 

Maamulka Aadan-waqaf waxa uu bilowgii uu xilka la wareegayba dardar cusub oo shaqo isaga oo ka bilaabay dhinaca nadaafadda, taas oo uu xaafadaha iyo suuqyada magaalada ku ekeeyey ololayaal nadaafadeed, waxaana ololayaashaa nadaafadeed lagu saxar-qaaday meelaha qashinku tuurran yahay, iyadoo uu xiligaa surimada iyo suuqyada magaalada dhex-tuurnaa qashin xoog lihi. Qashinkaas oo xataa meelaha qaarkood kala xidhay wadooyinka iyo surimada magaalada., taasina waxay keentay inay waxoogaa dib u soo kabato bilicdii dhinaca nadaafadda ee magaalada, iyadoo xataa suuqyada qaarkood laga baneeyey sandaqado wax kala xidhay.

 

Inkasta oo ay mushkiladda dhulku tahay mid gaamurtay oo aan hawl-yari meesha looga saari karin, hadana mudadii maamulka xilka wareejiyey waxoogaa waa la xakameeyey, isla markaana waxa uu maamulkaasi muujiyey dedaal uu doonayo inuu wax kaga qabto mushkiladda faraha ka baxday ee dhul-boobka, waxaana gacanta dawladda dib ugu soo noqday qaar ka mid ah dhulka danta guud.

Shaqaalaha dawladda hoose oo xad-dhaaf ahaa ayuu maamulkii xilka wareejiyey dhimay, taas oo ay shaqaalaha dawladda hoose tiradoodu gaadhaysay ilaa saddex boqol iyo badh, laakiin waxa laga soo reebay tiro wax yar ka badan kala badh, iyadoo u maayarkii hore Aadan Maxamed sheegay inay tirada xadi-dhaafka ah ee shaqaaluhu ka mid tahay duruufaha la degay dawladda hoose.

 

Inkasta oo uu maamulkii Inawaqaf waxoogaa xakameeyey dhibaatadii dhulka, hadana nasiib daro maalmihii uu xilka wareejinayey waxa magaalada Burco ka dhacday dhibaatadii ugu xumayd ee dhinaca dhulka, ka dib uu muran ku saabsna dhinaca dhulku sababay dhimasho ilaa afar qof ah iyo dhaawac dhawr iyo toban qof  ka badan, taas oo ay koox dabley ah oo dhul uu deganaa nin ganacsade ah oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamed diiriye difaacaysay tac-shiirad huwisay booliska dawladda hoose oo doonayey inuu meesha ka raro degsiimo la sheegay inay deganayd meel aan munaasib ahayn. Mushkiladaa oo ay wasiiro Hargeysa ka tegay Burco u tageen xal u helideeda ilaa hadda lagama qaadin talaabo cuntanta.

 

Marka la isku soo ururiyo maamulkii maayarkii xilka wareejiyey inta ay doono ha le’eekaadee wax qabadkiisu waxa uu ahaa mid waxoogaa la dareemay, taas oo ay dad badan oo reer Burco ahi ku tilmaameen in lagaga rasytay labadii maamul ee ka horeeyey., laakiin dadka reer Burco waxay hadda iswaydiinayaan sida ay xaaladdu noqonayso hadda ka dib, taas oo la leeyahay ninka xilka la wareegay, Sacad Maxamed Sheeklh tolow sidee buu wax odhan doonaa, iyadoo ay dooddu tahay ma ka dari doonaa, mise wuu ka sii rayn doonaa mudada ku meel-gaadhka ah ee uu xilka hayo.

 

Ololaha Ururada Siyaasadda Oo Cirka Isku Shareeray

H

argeysa (Haatuf): Ololaha ururada siyaasadda Somaliland ayaa ilaa labadii todobaad ee u dambeeyey xaami noqday, waxaana magaalooyin badan oo ay caasumadda Hargeysa ugu horayso si weyn u hadheeyey orodka iyo sawaxanka ururada siyaasadda, taas oo la xidhiidha doorashooyinka dawladaha hoose oo ay mudadii loo cayimay inay dhacaan kaabiga saaran tahay.

Toddobaadkii ama labadii toddobaad u dambeeyey mar qudha ma damin sawaxanka iyo guclaha ururada siyaasaddu, waxaana socday shirar, khudbado fagaare, xafiisyo cusub oola furayo iyo socdaalo ay hogaamiyayaaasha ururadu galaabixinayaan magaalooyinka dalka. Iyadoo ay magaalada Hargeysa si weyn u hadheeyeen ololayaasha ururada siyaasaddu, taas oo ay dadku habeen iyo maalin ka jiifi la’yihiin gurdanka iyo sawaxanka ururada siyaasadda, waxaana socd xdhig jiidad weyn oo ay ururadu ku doonayaan inay ku kala hantaan taageerada dadweynaha.

 

Ururka HORMOOD ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furtay ilaa laba xafiis oo kala duwan, kuwaas oo ay mid-ba xaafad ka fureen, waxayna madaxda ururka munaasibadahaa ay xafiiska ku furteen ka jeediyeen khudbado ay kaga waramayaan barnaamijyadooda iyo mabaadi’dooda siyaasadeed. Sidoo kale ururka SAHAN ayaa isna doraad xafiis cusub ka furtay xaafad ka mid ah magaalada Hargeysa, waxayna taasi wax yar ka dambaysay markii ay wefti uu hogaaminayo gudoomiyaha ururkaasi, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ka soo laabteen socdaal siyaasadeed taageero raadis ah oo ay ku tageen gobolka Sanaag.

 Sidoo kale waxa isna sawaxankiisu badnaa ururka ASAD maalintii doraad, taas oo ay Madaxda iyo taageerayaasha ASAD si balaadhan u soo dhoweeyeen gudoomiyahooda, Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka soo laabtay socdaal taageero raadis ah oo uu ugu maqnaa dalal debedda ah, waxayna suuqyada magaalada ku soo mariyeen kolonyo baabuur oo ay hareeraha ka lushaan dad kor ugu dhawaaqaya halkudhegyo ay ku muujinayaan taageerada ururkooda. Laakiin marka la eego labadii toddobaad ee ina dhaafay sanqadha ururada siyaasadda habeen iyo maalin lagama seexan, waxaana dhacayey xaflado ay xafiisyo ku furanayaan, isla markaana ay uga faa’iidaysanayaan khudbado siyaasadeed oo la xidhiidha ololahooda siyaasadda.

 

Gudoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali Waraabe iyo wefti uu hogaaminayo ayaa iyaguna habeenimadii sabtida ka soo hoyday socdaal ay ku tageen gobolka Saaxil, halkaas oo ay meel fagaare ah kala hadleen dadka reer Berbera.

 

Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa iyaguna maalmihii u dambeeyey socdaal taageero raadis ah ku maraya degaamada gobolka Sanaag, waxayna weftiga Axmed-siilaanyo doraad gaadheen magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay meel fagaare ah kala hadleen dadweynaha reer Ceerigaabo, waxayna wararku sheegeen inay weftiga KULMIYE marka ay soo dhamaystaan safarkooda Sanaag ay u weecan doonaan dhinaca gobolka Sool.  sidoo kale madaxweyne Rayaale oo ah gudoomiyaha ururka UDUB ayaa isna lagu wadaa inuu socdaal aan ka madhnayn taageero raadis ugu bixitimo gobolada bariga ee Somaliland maalmaha foodda inagu soo haya, iyadoo uu ururka UDUB-na hadda ku jiro gucle ay doonayaan inay kaga soo kabtaan hoos ku yimi mudooyinkii ina dhaafay, ka dib markii uu khilaaf ka dhex-oogmay hogaanka ururkaa.

 

Ololaha irca isku shareeray ee ururada siyaasaddu waa mid ay ugu xusul-duubban yihiin sidii ay ugu sii weel samaysan lahaayeen doorashada maalmaha aan badnayni inaga xigaan ee golayaasha degaanka.

 

FARIIN AKHRISTAHA

Hayadaha qaar waan u mahad celinayaa, qaarna waan dhaliilayaa

Aniga oo ku hadlay magaca beelaha iyo dadka degaamada Boon (Awdal) oo ka kooban ilaa toban waxood waxaan si weyn ugu mahad naqayaa hayadihii wax qabadka muuqda iyo ka qarsoon-ba noo qabtay, kuwaas oo noogu jira diiwaanka qiimaynta taariikhda, iyaga oo noogu qiimaysan sida ay u kala horeeyaan, sida, UNDP, UNHCR, Bisha Cas, EFAD iyo WHO, waxaanuna leenahay mar kale soo noqda anaga oo idin soo dhowaynayna, laakiin waxaan si weyn u dhaliilayaa hay’adda WFP oo ka baaqsatay inay sii wado gargaarkii aadaminimo ee ay siin jirtey xaruntii xanaanada caruurta ee magaalada Boom, halkaas oo ay ku jireen dad jilicsan oo isugu jira caruurta agoomaha iyo dadka danyarta ah, kaamkaas oo u xidhmay raashin la’aan, ka dib markii ay WFP si lama filaan ah u joojisay kaalmadii ay siin jirtey, iyadoo aan cidna ogaysiin ama kala tashan, isla markaana ay baahiyihii xanaanooyinkaa loo furay halkoodii yihiin, dadka meeshaa ku noolina weli kama quusan inay WFP u soo noqoto oo ay kaalmadeedii aadaminimo dib uga bilowdo degaamadaa.

 

Waxa kale oo aan iyana dhaliilayaa hay’adda COOPI, haydaas oo ah hay’adda qudha ee degan gobolka Awdal, iyadoo muddo dheer-na deganayd, laakiin ilaa mudadaa ilaa maanta uma ay qaban degaamada BOOn, isla markaana inkasta oo aanu marar ka codsanay inay wax noo qabato, hadana may dhicin inay degaamadaa mar qudha hoos u eegto, waxaanuna leenahay COOPI-yey bal mar qudha xagayaga soo daymood.

Muumin Caateeye Faahiye, Boon.

 

Shirkadda Qaadka 571:

Markii Ay Dib U Soo Laabatay Maxaa Iska Bedelay Xaaladda Dhaqaale Ee Degmada Gebilay

G

ebilay (Haatuf): Shirkada qaadka 571 ayaa 21-kii bishii ina dhaaftay ee Nofembar markii u horaysay ganacsigeedii keenista qaadka Itoobiya dib ugu soo celisay kastamka Kalabaydh, ka dib markii ay shirkadaasi bil ka hor ka wareegtay marinka Kalabaydh, taas oo ay bilowday inay qaadka diyaarad ka soo saarta madaarka magaalada Dirir-dhabe ee dalka Itoobiya, kuna dejiso madaarka Hargeysa.

 

Inkasta oo aan warar rasmi ah laga soo saarin sababta ay shirkadda qaadka 571 ugu soo laabatay marinkii ay hore uga guurtay ee kastamka Kalabaydh, hadana waxay wararka qaar tibaaxeen inuu khilaaf dhexmaray maamulka shirkadda iyo kastamka magaalada Jig-jiga ee dalka Itoobiya oo qaadka lagu cashuuro, khilaafkaas oo ka dhashay, ka dib markii ay maamulayaasha Itoobiya kordhiyeen cashuurtii ay qaadka ka qaadi jireen.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan dib u soo noqoshada qaadka shirkadda 571 waxa uu saamayn dhaqaale ku yeeshay degmada Gebilay oo dhaqaale ahaan si weyn u dareentay markii ay shirkadaasi keenista qaadkeeda ka weecisay marinka Kalabaydh, iyadoo uu qaadku ahaa meesha dakhliga ugu badan ee cashuuruhu ka soo galo degmada Gebilay.

 

Ninka la yidhaahdo Maxamed-Buur oo ka mid ah saraakiisha shirkadda qaadka 571 ayuu weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay oo kula kulmay Kalabaydh waydiiyey sababta uu qaadku markii hore uga wareegay marinnadiisii hore ee Kalabaydh, wuu ka gaabsaday inuu tafaasiil badan bixiyo, laakiin wuxuu yidhi “Horta qaadku ma aha siyaasad ee waa ganacsi, ganacsiguna kolba halkii ay dani ugu jirto ayuu maraa”, wuxuuna intaa ku daray inaanay kastamka Kalabaydh uga wareegin wax khilaaf ah, basle ay danahooda ganacsi u wareegeen, isla markaana waxa kale oo uu sheegay inuu dhamaaday khilaafkii dhowaan dhexmaray shirkadooda iyo kastamla Jig-jiga.

 

  Sida uu sheegay maamulaha kastamka Kalabaydh, Cali Axmed intii aanu qaadka 571 ka wareegin marinka kala Kalabaydh waxa uu dakhliga kastamkaasi gaadhayey inta u dhexaysa 70 milyan ilaa 80 mliyan oo shillin Somaliland ah maalintii, laakiin markii uu qaadkaasi ka wareegay waxa uu dakhliga kastamka Kalabaydh hoos ugu soo dhacay ilaa 23 malyuun oo shillin Somaliland ah.

Dawladda hoose ee Gebilay oo 10% qaadata cashuurta ka soo xeroota kastamka Kalabaydh intii aanu ganacsiga qaadka 571 ka weecan marinka Kalabaydh waxa uu ahaa dakhliga kastamkaa ka soo galaa 7 milyan oo shillin Somaaliland ah maaalintii, laakiin markii uu qaadku weekday waxa uu hoos u gaadhay dakhligii kastamka ka soo geli jirey wax kala badh ka sii yar xisaabta hore., taasina waxay keentay maamulka Gebilay inuu iska bixin kari waayo daymanka lagaga yeesho hawl-socodsiintooda.

 

“Maxaan mushahar idin siiyaa sawkan qaadkii inaga wareegay” sidaa waxa yidhi xoghayaha dawladda hoose ee degamada Gebilay oo u jawaabayey qaar shaqaalihiisa ka tirsan oo waydiistay mushahar ka maqan, laakiin ereyga ah “Maxaanu haynaa sawkan qaadkii inaga leexday” waxa uu intii qaadku ka weekday marinka Kalabaydh hal-kudheg u noqday maamulka dawladda hoose ee Gebilay, taas oo ay madaxda dawladda hoose qofkii dhaqaale kala hadlaba jawaabtaa siin jireen, Laakiin marka laga yimaado duruufta dhaqaale ee ka dhalatay qaadka wareegay waxa kale oo ay dad badan oo reer Gebilay ahi dhaliilaan maamulka laftiisa, gaar ahaan xoghayaha oo ah ninka sida gaarka ugu xil saaran maamulka wax soo saarka dhaqaalaha, waxayna dadku leeyihiin waxay ahayd inuu maamulku sameeyo guntigiijis iyo dedaal dakhli abuuris ah si uu uga soo kabto dakhligii kaga baaqday qaadka wareegay, laakiin taa muu samayn ayaa lagu dhaliilayaa. “Gabadhaydii oo dhakhtarka ku umushay waxaan xoghayaha dawladda hoose ka soo waayey konton kun oo shilin Somaliland ah” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha dawladda hoose.

 

Shirkadda qaadka 571 oo ah shirkadda ugu weyn ee ganacsiga qaadka laga keeno dalka Itoobiya ee loo iib-geeyo Somaliland iyo degaamada Somalida kaleba waxa uu markii u horaysay si xoog leh suuqyada ganacsiga u soo galay sannadkii 1996-kii, laakiin si dhakhso ah ayey shirkadaasi u balaadhatay ilaa ay noqotay shirkadda ugu weyn shirkadaha qaadka.