Guddi Ka Shaqaynaya Ilaalinta Doorashooyinka

H

argeysa (Haatuf): Guddi si dhexdhexaadnimo ah uga hawl-geli doona ilaalinta doorashooyinka ayay magacaabayaan guddiga doorashooyinka ee Qaranka, iyagoo la tashanaya ururada siyaasadda.

Guddigan ilaalinta doorashooyinka (Integrity Watch Committee) ma aha hay’ad sharciya, laakiin waxay ku hawl-geli doonaan laba heshiis oo mid ay wada galeen ururada siyaasadda, kan kalena ay wada galeen guddiga doorashada iyo ururada siyaasaddu. Xubnaha guddigani waxay ka imanayaan dadweynaha, dadkaas oo ah kuwa u daacadda ah in ay Somaliland ka dhacdo doorasho xalaal ah, xor ah, oo jawi nabadgelyo ku dhacda.

Si guud marka loo soo koobo guddigan, wuxuu ku hawlgelayaa hay’ad ka socota dadweynaha oo caawinaysa ka hortaga wixii dhib u keenaya sidii ay Somaliland uga dhici lahaayeen doorashooyin xalaal, xor ah oo nabadgelyo ku dhacda, iyo in dadweynaha ka caawiyaan sidii ay si buuxda uga soo qayb-geli lahaayeen dadweynuhu doorashooyinka. Guddigan waxa kale oo ay eegi doonaan, wixii isbedel ah ee ka yimaada labadaa heshiis ee mid ururadu wada-galeen, ka kalena ay ururada siyaasadda iyo guddiga doorashooyinku isla ogolaadeen.

Xubnaha guddigaa ka mid noqonayaa, waxaa laga rabaa qodobadan:

1.       Qofka ka mid noqonaya guddigan ilaalinta doorashooyinka, waa in aanu ka mid noqon oo aanu ka tirsanayn ururada siyaasadda.

2.       Qofka ka mid noqonaya guddigan ilaalinta doorashooyinka, waa inuu si adag dhexdhexaad uga yahay ururada tartamaya.

3.       Waxaa lagu soo xulayaa ixtiraamka ay ku leeyihiin dadka dhexdiisa iyo sumcadiisa hore ee bulshada dhexdeeda, waana in xubnahani ay lahaadaan aqoon bulshanimo, siyaasad, uu ku guto hawshaas ah goob-jooga iyo qiimaynta wadajir u fullinta qaabka u degsan doorashooyinka.

4.       Guddigani wuxuu ka koobnaan doonaa 11-qof tiro aan ka badnayn oo ay ku jiraan, wakiilo lixda gobol ka socda.

Hawlaha uu guddigaasi qabanayo, waxa ka mid ah:

1.       In ay qiimeeyaan heerka uu urur-siyaasadeed kastaa run ahaan ugu dhaqmay heshiis ku dhaqankii ay la saxeexeen ururada kale iyo guddiga doorashooyinka, sida ay arrintaa u hirgelinayeen iyo natiijooyinka.

2.       In ay qiimeeyaan ilaha dhaqaalaha iyo kan xubnahooda oo ay hubiyaan inuu ururkaasi yahay mid buuxin kara doorashooyin xor ah oo xalaal ah.

3.       Guddigani waxay qiimeenayaan lahjadda iyo qaabka ay ururada siyaasaddu ugu ololaynayaan, si uu u hirgasho doorasho xor iyo xalaal ah.

4.       Guddigani waxay baadhayaan cabashooyinka ka yimaada heshiis ku dhaqanka ay isla ogolaadeen ururadu oo loo marayo, sida uu ugu qoran yahay heshiiskaas.

Guddigani, waxay hawsha u fududaynayaan hawlaha qaarkood guddiga doorashooyinka, si ay u korodho ka qayb-galka bulshada ee doorashooyinku, xubnaha guddigani waxay xidhiidh shaqo la yeelanayaan Akademiyadda Nabadda iyo Horumarka oo siin doona tababaro dhinaca Maamulka iyo Hawl xafiiseedka ah.

 

Faysal Cali Dhurwaa oo ka hadlay Deegaanada Degmada Gabiley

G

abiley (Haatuf): Guddoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali Waraabe  iyo Wefti uu  hogaaminayo ayaa socdaal ku maray deegaanada degmada Gabiley.

Weriyaha Haatuf ee Gabiley, Maxamed Xasan , ayaa sheegay in Guddoomiyaha UCID  iyo weftiga la socday ay booqashadu uga bilaabantay Gabiley 3-dii bishan, iyagoo ka bilaabay deegaanka Arabsiyo.

Weftigan UCID oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee Ururkaasi, waxay hadalo u jeediyeen dadweynihii ka soo qayb galay kulanadii ay weftigaasi kula yeesheen intii ay ku jireen ololahooda siyaasadda ee ay ka wadeen degmada Gabiley.

Gudoomiyaha ururkaas, Faysal Cali Warabe oo la hadlayay dadweynaha reer Arabsiyo, ayaa yidhi; “Maanta waxaanu doonaynaa in aanu samayno Maamul furfuran oo aan Hargeysa ku ururin, Gabiley-na ku ururin oo ay tuulo kastaa taabato danteeda oo ay ka tashato.”

Faysal Cali Waraabe, isagoo la hadlaya dadweynaha Degmada Alaybaday-na, waxa hadalladiisii ka mid ahaa; “Waan arkaa in aan Alaybaday waxba loo qaban tobankii sanno ee aynu xorta ahayn, laakiin aad iyo aad baan ugu farxay markaan arkay tacabka aad qabsateen.”

Guddoomiyaha UCID, Faysal, isagoo ka hadlaya Magaalada Gabiley, wuxuu yidhi: “Ururkayaga UCID iyo magaalada Gabiley, waxay iska metelaan Somaliland jacaylka, gobolkani waa gobolkii ay xarakadu ka bilaabantay, waa gobolkii aad gobanimada ugu dhintay, 55 xafiis ayaanu dibadda ku leenahay. 12 xafiis oo ka mid ah, waxa ka madax ah dad gobolkan ka soo jeeda, maanta aduunyada oo dhan ayaa indhaha inagu soo haysa, waxaad u baahan tihiin beerihii in la idinku gacan qabto, in la idinka joojiyo khudradda dibadda ka imanaysa ee jebinaysa khudradda aad soo saartaan.”

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gabiley, dadweyne aad u tiro badan ayaa ka soo qaybgalay kulanadii ay ururka UCID kula yeesheen dadweynaha degmada Gabiley, magaalooyin kala duwan oo ku yaal deegaankaas.

 

 

Shirkado Caalamiya oo ka hawl-gelaya Magaalada Berbera

Waxa shaqo ka helaya 4000 Qof

B

erbera (Haatuf): Badhasaabka Gobolka Saaxil, isla markaana ah Duqa Magaalada Berbera, Maxamed Axmed Xasan (Talaata Codle) oo shalay la hadlay dadweynaha reer Berbera Salaadii Ciida kadib, ayaa ugu bushaareeyay laba bilood ka bacdi ay bilaabanto heshiisyo lala galay shirkado Caalami ah, kuwaas oo dhisi doona garoonka diyaaradaha ee Berbera, taas oo uu sheegay Badhaasaabku in ay wax weyn ka tari doonto shaqo-la’aanta iyo rajadii dib loogu dhisayay Warshadda Sibidhka ay rajo fiican leedahay, taas oo uu sheegay Badhasaabku in ay ka hawlgeli karaan ilaa afar kun oo qof oo shaqo ka heli kara.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir oo ka soo waramay hadalkaa uu badhasaabku u jeediyay dadweynaha reer Berbera, ayaa shalay si farxadleh u ciiday, iyadoo magaalada Berbera ay bilic samayd dadka ciida awgeed la dhex mushaaxayay iyo maamulka gobolka Saaxil ee uu gudooomiyaha u yahay Maxamed Axmed Xasan (Talaata Codle), ay 50 neef u qaybiyeen cusbitaalada, Jeelasha, Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Qaranka. Weriyuhu wuxuu intaa ku daray in ganacsada qaadka ee Cawl C/laahi Beegsi in maalintii ka horaysay Ciida uu ugu deeqay dharkii ciida 29-qof oo ka mid ah dadka ku jira Jeelka.

 

Mingistu

Waraysigii Mingisru Xayle Mariam

M

ingistu Xayle Mariam oo ka waramaya wixii ay ku sameeyeen saraakiil sarsare oo wefti ahaa oo looga soo diray xarunta Adis-ababa, wuxuuna yidhi “Maalintaa markii la maqlay inaanu xidh-xidhnay janaraaladii Adis-ababa ka yimi ayaa magaalooyin kale lagu xidh-xidhay qaar ka mid ah saraakiishayada, sidoo kale dawladda Adis-ababa fadhiday waxay iyaduna warbaahinta ka sii daysay barobagaanda. Tusaale ahaan ciidankii gantaalaha ee Diridhabe fadhiyey ayaa yidhi “Hadii aad si dhakhso ah janaraalada u sii dayn-waydaan waanu idinku soo duulaynaa, yaad moodeen saraakiisha aad intaad soo ururiseen xidh-xidheen”. Ninkii ciidanka gantaalaha haystay waxa la odhan jirey Gataajaw Baalja, isaga ayuuna ahaa ninka digniinta noo soo diray, wuxuuna yidhi “Hadii aad janaraalada sida ugu dhakhsaha badan u sii dayn-waydaan waxa la idinku garaaci doonaa diyaarado”, sidoo kale xagga sare (Adis-ababa) waxa iyana nalooga soo diray digniin culus . Laakiin dhinaca kalena waxaan maqlay saraakiil qaybtayada ka tirsan oo leh ama ku hadaaqaya “Mingistu Xayle mariam iyo saraakiisha la socdaa maxay wadaan iyo maxay damceen”, ka dibna markii aan sidaa maqlay ayaan idhi “Dhamaan wixii saraakiil ah inta aad soo ururiyaan ii wada xidha”, dabadeedna kuligood inta magaalada la soo raafay, hadii ay tahay ka gurigiisa jooga, hadii ay tahay ka suuqa maraya iyo hadii ay tahay mid meel kale joogaba iyadoo aanu mid ka maqnayn ayaa la soo ururiyey, ka dibna qol weyn oo ku yaalay guriga fanka iyo suugaanta ayaa lagu xidhay dhammaantood, laakiin qaarkood markii ay ogaadeen inay askari doon-doonayso ayey is qariyeen, taasina waxay keentay in xataa qaarkood la soo qabto ama laga soo saaro sanaaduuq hoostood iyaga uu ku dhuumanaya, tusaale ahaan waxaan xusuustaa mid Adraafu ka soo qabtay isaga oo ku hoos-dhuumanaya kabadh.

Sraakiishii aanu xidh-xidhnay waxa ilaalintooda loo xil-saaray Niguse faanta, sidoo kale nimankii janaraalada ahaa waxa ilaalintooda loo xil-saaray Damaqe Baanjaw iyo Lagase, balse aniga laftayda ayey I xidheen nimankii ciidanka ahaa ee wax xidh-xidhayey, sababta oo ah waxay yidhaahdeen “ Saraakiishan aanu xidh-xidhnay hadhow marka la sii daayo waxay odhan doonaan waxa na xidhay Mingistu, hadaba si aanay sidaa u odhan waanu kuu ekaysiinaynaa”, waxaana taa looga jeeday si khal-khal loo geliyo, “Waayahay”ayaan idhi. Laakiin wax yar ka dib waxa soo kordhay digniinihii laga soo dirayey Dirir-dhabe iyo meelo kale , dabadeedna askartii ayaa inta ay iga soo dhex-qaadeen saraakiishii aan la xidhnaa igu yidhi “Hawl baanu kuu doonaynaa”, sababta ay iigu yeedheena waxay ahayd iyaga oo ka yabaalay  ciidanka Dirir-dhabe fadhiya ee digniinaha soo diraya, laakiin waxaan ku idhi “ma jirto cid idin soo weeraraysaa ee is dejiya, way iska hadlayaane, ninka madfaca hayaana Dirir-dhabe ilaa Harar idinkama soo tooggan karo”, markaas ayey hadana igi yidhaahdeen “Hadii ay meeshooda ka soo durkaana”, waxaan hadana ugu jawaabay “Ma iman karaan, basle hadii aad taa ka shaki qabtaan meesha la yidhaahdo Dhangago waxaad dhigtaan laba dubaabadood oo qori saaran yahay”> Markaa aanu sidaa is leenahay waxa soo gelayey habeen, sidaa darteed sideedii fiidnimo markii ay noqotay ayaa la soo daayey warkii sideeda, waxaanuna si xiisa badan u sugaynay inaanu idaacadda ka maqalo su’aalahayagii inuu boqorku ka jawaabo, laakiin warkii la sii daayey waxa uu noqday mid naga wada cadhaysiiyey, warkaasina waxa uu ahaa “Janaraal  Xayle Baykadaani oo ahaa taliyaha ciidanka dhulka ayaa xilkii ka degay”, warkaasna markii ay ciidamadu maqleen waxay ka muujiyeen dareen cadho leh , waxayna ka cadhoodeen oo ay iswaydiiyeen “janaraalka maxaa xilka looga qaaday”, laakiin janaraalka xilka ugama degin ikhtiyaarkiisa, balse magaalada Harar waxa la isla dhexmaray su’aal ah “maxaa janaraalka xilka looga qaaday”.

Damaqe Baanjaw iyo qaar kale ayaa gurigayga iigu yimi iyaga oo wata dubaabad uu qori mishigaan ahi u saaran yahay, waxayna igu yidhaahdeen “Taliye waxba kama hadhsana inay arintu faraha ka baxdo, waayo markii aanu dhexqaadnay magaalada, waxaanu aragnay qolyo kale oo uu iyagana wata dubaabado qori u saaran yahay, waxayna nagu yidhaahdeen “Joogso, kumaad tahay”, markaa waxaanu ku siganay inaanu xabadda isku ridno, waayo aad ayey u kacsanaayeen, waxayse yara qaboobeen markii ay na garteen, marka aad eegto ciidanka magaalada dhexmaraya fara-badnaantiisana waxaad moodaa inay ciidamadii dhammaantood magaalada soo galeen”.

Inta ay waxaas oo dhami dhacayaan janaraaladii waxay ku xidhan yihiin xafiiskayga, dabadeedna askartii ilaalinaysay ayey ku yidhaahdeen “Hawadii baad naga xidheen”, ka dibna askartii waxay ka fureen daaqadaha, waxayna u fadhiisteen daaqadaha agtooda. Xafiiskayga marka aad daaqadihiisa furto daaqadda dhinaca bariga u jeedda waxa u dhow dhul yar oo banaan, dabadeedna markii dambe ayuun baan soo agmaray daaqaddaa, waxaana arkay daaqadda furan, ka dibna askartii ila socotay ayaan ku idhi xidha daaqadda, sidaas darteed janaraaladii ima ay arag, waayo hadii ay I arkaan way garan lahaayeen, waayo waxa ku jirey rag badan oo I garanaya, sida: Taliyahayga Janaraal Naga, Taliyaha akaademiyadda Harar janaraal Gisaw Balayne iyo weliba gacan-yarihiisa oo la yidhaahdo Kornayl Mulaatu.

Askartii ila socotay waxaan faray inay janaraalada xidhan u sheegaan “Inaanu janaraal Xayle xilka kaga degin ikhtiyaarkiisa ee ay ku timi codsi ka yimi ciidanka la yidhaahdo ciidanka Libaaxa ee guutada saddexaad, isla markaana aan xilka oo qudha laga qaadine xataa la xidhay, sidaa darteed waxaad ku tidhaahdaan janaraalada arintaa sida ugu dhakhsaha badan ugu dambayn sagaalka fiidnimo halaga sii daayo warka, hadii kale wixii dhaca kama masuul nihin”.

Iyadoo ay taasi jirto hadana weli ciidankau dhaqdhaqaaqiisii wuu sii watay, anaguna wax dad ah oo shicib ah maanu xidhin ee taliyayaashii ciidamada oo qudha ayaanu xidh-xidhnay, laakiin ciidanku ikhtiyaarkooda iyaga oo u socda oo aanaan amrin ayey u tageen badhasaab-xigeenkii gobolka Harar, Fit Awraari Mindaa, waxayna soo kaxeeyeen isaga oo gurigiisa jooga, waxa kale oo ay soo qabqabteen oo ay ku soo dareen xubno kale oo muhim ah oo ay ku jiraan rag baayacmushtar ah iyo duqaydii magaalada intoodii badnayd, ka dibna way xidh-xidheeen, wuxuuna ahaa ninka raggaa xidh-xidhay nin feedhyahan ah oo booliska ka tirsanaa oo la odhan jirey,  Basha Doona. Laakiin markii aan maqlay inay niman caynkaas ahi xidh-xidhan yihiin, waxaan idhi “Degdeg u sii daaya nimankaa, waayo taasi waa arin mawqifka ciidanka dhaawacaysa oo burburinaysa”, waana ku xayraamay nimankii wax soo xidh-xidhay oo waan ku dhexdhacay aniga oo is qaraniya waayo maan doonayn inay cidi I ogaato.

Sidii aanu raadyowga u dhegaysanaynay ayaanu raagnay, waayo waxay qolada idaacaddu yidhaahdeen “Waxaanu goor dhow idiin soo dayn doonaa war soo habsaamay”, ka dibna warkii sidii aanu u codsanay ayey u soo daayeen, waxayna idaacaddu tidhi “Guutada saddexaad codsigoodii awgeed go’aankii hore ayaa dib loo saxay , wuxuuna boqorku amar ku bixiyey in xilka laga wareejiyo janaraal Xayle Baykadaani oo ku takri falay xilkii uu hayey, waxaana lagu xukumay inuu xidhnaado ilaa inta la baadhayo, iyadoo loo saaray guddi baadha kiiskiisa’, intaa markii uu warku sheegay ayey ciidamadu dhammaan ku farxeen. Ka dibna anigu gurigayga ayaan iska qabtay, nimankii janaraalada ahaana caawa halkooda haw hoydeen ayaa la yidhi. Run ahaantii waa kari karayey in loo ogolaado inay caawa u hoydaan Raas huteel, laakiin jawiga ayaan wanaagsanayn, ciidankana waxa ku jirey cabsi, oo waxaanu is nidhi hadii ay arkaan nimankaas oo huteelka hurda way idinka shakiyayaan ciidanku, dabadeedna waxay u hoydeen xerada ciidanka, balse habeen-badhkii intaanu idaacadda Harar qabsanay ayaanu waxoogaa barobagaandha ah ka sii daynay, Laakiin may jirin dad badan oo dhegaystay, waxaase jirye qoraal yar oo aanu hore u soo diyaarsanay, kaas ayaanu sii daynay waxaana akhriyey nin la odhan jirey “Hilata waraq” (libaaxii ugaadeen)

La soco cadadka dambe.

 

Sidee looga ciiday Somaliland

H

argeysa (Haatuf): Salaadda ciidul-fidriga  ayaa shalay laga tukaday guud ahaan dunida islaamka, gaar ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland, ka dib markii ay dadka muslimiinta ahi soo dhamaysteen soonka bisha Ramadaan.

Guud ahaan magaalooyinka oo dhan salaaddii hore markii uu waagu guduutay ayey wadaadadu tak-biirta la oogsadeen, taas oo hordhac u ahayd salaadda ciidal-fidriga, iyadoo ay dadku isugu soo baxeen garoomada iyo masaajidada waaweyn ee magaalooyinka.

Caasumadda Somaliland ee Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ayaa si weyn looga ciiday, waxaana masjid jaamaca weyn ee Hargeysa dadka kula tukaday madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo kuxigeenkiisa, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, laakiin madaxweyne Rayaale oo la filayey inuu munaasibadda ciidda awgeed dadka la hadlo wax hadal ah ma jeedin, taas oo markii uu salaadda dhamaystay uu cod-baahiyaha kaga tiraabay weedho kooban oo duco ioy bogaadin ah oo la xidhiidha munaasibadda farxadda leh ee ciidul-fidriga , isla markaana uu xusay inaanu ku soo talo gelin khudbad jeediyo, sidaa darteed dad badan oo daafaha masaajidka hoganayey ama meelaha makarafoonadu ka lushaan dhegta u dhowaynayey si ay u dhegaystaan khudbadda madaxweynaha ayaa iska kala dareeray markii uu madaxweynuhu ka cudur-daartay khudbadii laga filayey.

Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan magaalooyinka kale ee Somaliland ayaa si weyn looga dareemayey damaashaadka farxadda ciidul-fidriga, waxaana shaaricyada qariyey kumanaan dad ah oo inta badan ku lebisan dhar bilic leh, taas oo sidii ay caadadu ahayd ay caruurtu guryaha ka soo debed baxeen, iyaga oo farxadda ciidda darteed damaashaadaya, waxayna caruurtu suuqa ku dhex-mushaaxayeen lug iyo gaadhi intaba, iyadoo ay daadihinayaan waalidiintoodu.

Marka la eego muuqaalkii isu soo baxa munaasibadda ciiddu waxa uu ahaa mid si weyn u camiray magaalada, laakiin marka laga yimaado bilicda dhinaca huga iyo guud ahaan sida ay dadku ugu niyad-samaayeen farxadda ciidda waxaan iyana qarsoonayn duruufta dhaqaale ee hoos-hadhsanaysa xaaladda nololeed ee dadka, gaar ahaan dadka danyarta ah, waxaynuna xusuusanahay inay ciiddani ku soo beeggantay iyadoo ay xidhantahay sayladdii ugu waynayd ee ganacsiga Somaliland oo ah Sucuudi Arabiya, taas oo saamayn weyn ku leh xaaladda nololeed ee dadka reer Somaliland iyo guud ahaan dadka Somalilda ah ee ku dhaqan mandaqadda bariga Afrika, iyadoo aynu ognahay inay nolosha Somalidu 75% inka badan ku xidhan tahay xoolaha. Laakiin inkasta oo ay taasi jirto, hadana labadii toddobaad ee ka horeeyey ciidda waxay ganacsiga dharku ahaayeen kuwa xaami ah oo aad u camiran, taas oo ay dadku ka iibsanayeen dharkii ciidda, waxayna taasi keentay inuu qiimaha dharku cirka isku shareero.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka, gaar ahaan magaalo-madaxyada gobolada ayaa sida ay wararku sheegeen si weyn looga ciiday, iyadoo ay magaalooyinka waaweyn ee xarumaha gobolada inta badan dadka la tukadeen madax sarsare oo dawladda ka tirsani, sida wasiiro iyo madax kale, iyadoo ay meelaha qaarkood madaxda dawladdu dadka la hadleen.

 

Gabiley Maxaa Ka jira?

G

ebilay (Haatuf): Boqolaal qof oo dadweynaha reer Gebilay ah ayaa shalay isugu soo baxay tukashada salaadda ciidul-fidriga, ka dib markii ay soo dhamaysteen soonka bisha Ramadaan, waxayna dadku isugu soo baxeen si weyn.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gebilay, Maxamed Xasan Maayarka Gebilay, Abiib Xasan Fil-fil ayaa dadka la hadlay markii ay salaadda ka soo jeesteen, waxaana ka mid ahaa waxyaalihii uu dadka reer Gebilay maayarku kala hadlay ilaalinta nabadgelyada iyo arimaha doorashada.  “Beryahan dambe waxa soo baxday in makarafoonka TV-ga laga hadlo ama jaraa’idka wax lagu qoro oo waxa uu doono yidhaahdo, markii ninkii inankii uu keenay la qaadan waayey ee shuruudo lagu reebay xaq waxa loogu leeyahay haloo bedelo, intaa wax dhaafsan oo meesha yaalaa ma jiraan”ayuu yidhi maayarku, isaga oo ka hadlaya arimaha doorashada, wuxuuna intaa ku daray “Maadaama wixii reero loo qaybsaday ma aha in kooxo lagu cararo”, wuxuuna maayarku ururada siyaasadda ugu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida.

Dhinaca kale sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gebilay, wasiirka hidaha iyo dhaqanka Somaliland, mudane Cismaan Xasan Mire oo hogaaminaya koox fanaaniin ah ayaa Arbacadii doraad socdaal ku yimi degmada Gebilay, waxayna ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay wacyigelin la xidhiidha doorashooyinka, waxayna magaalada Gebilay ioy meelo kale ka dhigeen riwaayado iyo majaajilooyin la xidhiidha wacyigelinta doorashooyinka. “Dareenkaaga guud dadweynow u sheeg, hadii lagu doorto wacan, hadaad waydana ha dudin”ayey ku heeseen fanaaniintu.

Wasiirka hidaha iyo dhaqanka ayaa isna la hadlay dadka degmada Gebilay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Nin walowba codkaaga bixi waayo ikhtiyaar baad leedahay, kalana garta meesha xun iyo meesha wanaagsan”, laakiin galabnimadii isla galabnimadii Arbacada ayey wasiirka dhaqanka iyo kooxda fanaaniinta ah ee uu hogaaminayaa degmada Gebilay uga sii gudbeen dhinaca gobolka Awdal.

 

KULMIYE iyo UCID iyo Boorame

B

oorame (Haatuf): Xubno ka mid ah guddiga fulinta ee urur-siyaasadeedka KULMIYE ayaa Arbacadii doraad dadka reer Boorame kala hadlay meel fagaare ah oo ay xafiis cusub ka furteen, uguna baaqay inay xiliga doorashada codkooda u dhiibtaan si nabadgelyo ah.

Siyaasiga Cabdi Xasan Buuni oo ka mid ah hogaamiyayaasha ururka KULMIYE ayaa ka mid ahaa madaxda halkaa ka hadashay, wuxuuna Buuni dadka kala hadlay arimaha doorashoyinka, isaga oo faah-faahin ka bixiyey barnaamij siyaasadeedka ururkooda, isla markaana waxa kale oo uu ka hadlay wax qabadka xukuumadda Somaliland. “Afar iyo soddon sannadood ayaa laga ooga markii ay dhaceen doorashooyinkii dalka ugu dambeeyey, waqtigaana intiina badani ma garanaysaan, sidaa darteed waxaan idiin soo jeedinayaa inaad ka faa’iidaysataan doorashooyinka oo aan anigu waayo-arag u ahay”ayuu Cabdi Xasan Buuni, laakiin isaga oo ka hadlaya wax qabadka dawladda Somaliland wuxuu yidhi “Dawladda wax qabadkeeda waxa ugu wanaagsan aftida distoorka iyo nabadda, laakiin dhinaca wax soo saarka hal cagaf looma keenin dalka, sidoo kalena qorshe looma samayn da’yarta ka soo baxaysa jaamacadaha iyo Dugsiyada”. “Ilaah baan idinku dhaarshee xagee baa lagu arkay nin caafimaad daro u liita oo cusbataal la keenay oo la yidhaahdo keena lacag lagu baadho”ayuu intaa ku daray.

Mr. Buuni waxa kale oo uu soo qaaday wadada isku xidha gobolka Awdal iyo Jabuuti laba saacadood iyo badh qudha ayaa loo socon lahaa hadii la sameeyo.

Cabdi Xasan Buuni waxa uu ka mid yahay raggii siyaasadda ku soo biiray sannadihii lixdamaadkii, isla markaana inmuddo ah wuu ka maqnaa garoomada ciyaarta siyaasadda, laakiin isaga oo tilmaamaya waqtigan xaadirka ah iyo dareenkiisa siayasadeed wuxuu yidhi “siyaasadda waxa igu soo celiyey markii aan arkay ururka KULMIYE inuu ku haboon yahay inuu maamulka dalka qabto, isla markaana hadii uu maamulka qabto uu dalka wax ka qaban doono”.

Cabdi Xasan Buuni waxa uu dadka reer Awdal ku booriyey inay doorashooyinka ka qayb qaataan oo ay doortaan madaxdii maamuli lahayd. Sidoo kale Cabdi Xasan Buuni waxa uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti, wuxuuna yidhi “Waxaanu ka shaqan doonaa Ismaaciil Cumar Geelle oo uu beryo dhowayd madmadow na soo kala dhexgalay sidii taa wax looga qaban lahaa, loogana wada shaqayn lahaa wixii aan jiritinkaanka Somaliland lid ku ahayn”.

 Dhinca kalena hogaamiyayaasha urur-siyaasadeedka UCID ayaa isna isla Arbacadii doraad dadweynaha reer Boorame kala hadlay fagaaraha khayriyadda Boorame, waxayna taasi qayb ka tahay ololaha uu ururkaasi ugu jiro doorashooyinka dawladaha hoose ee foodda inagu soo haya, iyadoo ay halkaa socdaal siyaasadeed ku tageen wefti ururka UCID ah oo uu hogaaminayo ururka UCID, Faysal Cali Waraabe.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar waxa ka mid ahaa madaxdii ururka UCID ee fagaaraha khayriyadda kala hadlay dadka reer Boorame, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaanu idiinku nimi inaanu idiin sheegno barnaamijka uu dalka ku hogaamin doono ururka UCID hadii uu ku guulaysto doorashooyinka madaxtinimada, kaas oo ah cadaalad iyo in laga faa’iidaysto khayraadka dalka iyo sidii aynu uga kaaftoomi lahayn odoyaashii afartanka sannadood ina soo xukumayey, taas oo aanu doonayno sidii ay da’yartu uga qayb qaadan lahayd xukunka”, wuxuuna intaa ku daray “Waxaanu doonaynaa inaanu waxbarashada bilaash ka dhigno ioy sidii aanu u soo noolayn lahayn qiimaha shilinka Somaliland iyo sidii aynu uga faa’iiysan lahayn tamarta qoraxda ee aynu laydhka uga dhalin lahayn, waxa kale oo aanu doonaynaa sidii aanu wax uga qaban lahayn dekedda Saylac”.

Faysal waxa kale oo uu ka hadlay xoolaha nool ee Somaliland, isaga oo sheegay in hadii ay talada ku guulaystaan ay suuq cusub uga raadin doonaan dalalka Yurub, wuxuuna yidhi “Xooleheena ay Carabta xumi inagu gumaysanayaan, waxaanu u diri doonaa Yurub iyo Maraykanka hadii aanu ku guulaysano doorashooyinka, mana doonayno inaanu waxoogaa timir ah oo sako ah ku doonano kursi, laakiin waxaanu doonaynaa inaanu anagu sako bixino oo uu dalkeenu barwaaqo noqdo”. Laakiin waxa uu intaa ku daray “Maayar la soo magacaabay oo guryo ka dhistay garoomadii ciyaalku ku ciyaarayey, waanu dumin doonaan xataa hadii uu laba-saddex dabaq ka dhistay hadii aanu doorashada ku guulaysano”, wuxuuna Faysal Cali-waraabe ugu dambayn dadka reer Awdal ka codsaday inay doorashooyinka qaybtooda ka qaataan oo ay codkooda dhiibtaan, nabadgelyadana ilaaliyaan.

 

 

 

Ururada siyaasadda iyo guddiga

Doorashooyinka oo heshiis wada saxeexay

H

argeysa (Haatuf): Lixda urur-siyaasadeed ee u taagan tartanka doorashooyinka madaxtinimada Somaliland iyo guddiga doorashooyinka ayaa habeen hore Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa wadajir ugu saxeexay heshiis la xidhiidha marxaladda sida looga gud-bayo marxaladda doorashooyinka iyo sida looga jibbo keenayo marxaladda kala guurka ee foodda inagu soo haysa, iyadoo ay ururada siyaasadda iyo guddiga doorashooyinku qalinka ku duugeen qoddobo door ah oo ay ku qeexayaan sida iyo waxa laga yeelayo marxaladda kala guurka.

Qoraalka heshiiskaa oo ka badan saddex bog waxa qoddobada lagu heshiiyey ka mid ah inay ururada siyaasaddu wax walba ka horaysiiyaan maslaxadda guud ee dalak, xataa maslaxadooda iyo inay dhammaan ururada siyaasadda Somaliland ilaaliyaan ku dhaqanka hanaanka dimoqraadiyadda iyo mabda’a wada tashiga, isla markaana waa inay ilaaliyaan xasiloonida iyo ammaanka dalka.

Waxa kale oo ay ururada siyaasaddu cadeeyeen inay iskaashi iyo wada shaqayn la samaynayaan guddiga doorashooyinka Qaranka, iyaga oo hoosta ka xariiqay inay guddiga doorashooyinku yihiin hay’adda maamulaysa ee dhexda u ah hawlaha doorashada, sidaa darteed ay guddiga doorashooyinku yihiin cidda ka masuulka ee ay dummadeeda saaran tahay nidaamka doorashooyinka. Waxa kale oo uu heshiisku dhigayaa inay guddiga doorashooyinka masuuliyadooda tahay sidii ay uag shaqayn lahayd inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah. Laakiin qoddobada muhimka ah ee ay dhinacyadani ku heshiiyeen waxa ka mid ah: In mustaqbalka ahmiyadda la siiyo dhisidda dawlad sal-balaadhan oo ay ka wada qayb galaan dhammaan ururada iyo dhinacyada siyaasadda ee dalka ka jiraa, iyadoo aan loo eegayn ururada ku guulaysata doorashada dawladaha hoose iyo kuwa aan ku guulaysan, taas oo macneheedu yahay haba la kala badsadee waa in xeedhada gacanta la wada geliyaa, wuxuuna heshiisku leeyahay ururada iyo dhinacyada siyaasaddu waxay taa ka kaashanayaan golayaasha ama hayadaha qaanuuniga ah ee dalka ka jira. Hase yeeshee heshiisku waxa uu leeyahay goorta sidaa la yeelayaa waa marka ay xiligii loogu talo galay qabsoomi waayaan doorashooyinka madaxtinimada sare, iyadoo uu heshiisku leeyahay waxa dhismaha dawlad noocaas lagaga cararayaa gaab dawlad sharci ahayn oo soo baxda marka uu dawladda jirta xiligeeda qaanuuniga ahi dhamaado, taas oo uu heshiisku dhigayo Axsaabta doorashooyinka dawladaha hoose aqlabiyadda ugu badan hela ayaa dhisidda dawladda caynkaas ah mudnaanta weyn yeelanaya, laakiin waa inay noqotaa ayuu heshiisku leeyahay dawlad lagu wada jiro, hadii ay tahay axsaabta guulaysatay iyo hadii ay tahay asxaabta aan guulaysan-ba iyo weliba qoddobo kale.

Heshiiskan waxa wada jir u saxeexay xubno kala duduwan oo madaxda ururada siyaasadda ah, waxayna kala yihiin ururada heshiiskaa saxeexay UDUB, UCID, ASAD, KULMIYE, SAHAN iyo HORMOOD, waxayna masuuliyiinta dhinacyada heshiiska saxeexay iyo xubno kale oo munaasibaddaa ka soo qayb galay madashaa ka jeediyeen hadalo ay ku ta’kiidainayaan heshiiska.

Marka laga yimaado ururada mucaaradka ah, ururka UDUB waxa u saxeexay heshiiskaa madaxweyne-kuxigeenka, ahna gudoomiye-xigeenka UDUB, Axmed Yuusuf Yaasiin.

Heshiiskani waxa uu ka dambeeyey wada hadalo ay dhinacyadani (Ururada siyaasadda & guddiga doorashooyinka) yeesheen oo muddo bil gaadhaysa soo taxnaa, wada hadalkaasna waxa gogosha u dhigtay hay’adda horumarinta nabadda Somaliland.

 

Shir saddex geesood ah

H

argeysa (Haatuf): Saddex dhinac oo kala ah: lixda urur-siyaasadeed, golaha salaadiinta iyo guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa habeen hore kulan fadhi ah oo albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Shirkaas oo sida ay wararku sheegeen saacado badan qaatay waxa ka soo qayb galay madax ka kala socota ururada siyaasadda, cutub salaadiin ah iyo guddiga doorashooyinka, waxayna foodda is dareen dood dheer is xaal-waraysi iyo araah is dhaafsi ah.

Inkasta oo aanay shirkaa warar rasmi ahi ka soo bixin, hadana waxay warar u dhuun-daloolaa sheegeen in shirkaa lagu lafo-guray xaaladda doorashooyinka iyo guud ahaan wacyiga guud ee marxaladda kala guurka, taas oo sida la sheegay ay dhinacyadu is dhaafsadeen xogo la xidhiidha xaaladda wadanka iyo geedi socodka hawlaha doorashooyinka.

Sida ay wararku sheegeen waxa kulankaa soo qaban-qaabiyey golaha salaadiinta, waxa si gaar ah loo falan-qeeyey xaaladda nabadgelyada iyo saamaynta ay ku yeellan karaan xarakaadka doorashooyinku, waxaana dodo laga yeeshay sida looga gudbayo marxaladda doorashada, taas oo macneheedu yahay in la isla jilciyo sida ugu haboon ee ay doorashooyinku u noqon lahaayeen kuwo turxaan la’, isla markaana u dhaca si nabadgelyo ah.

Kulankaas inkasta oo uu saacado badan qaatay hadana laguma gaadhin wax go’aamo ah, waxayna salaadiintu ururada siyaasadda u soo jeediyeen inay dib isugu noqdaan si ay wax isu soo jilciyaan, iyadoo ay salaadiintu intaa ku dareen inay kulan kale la soo yeelanayaan xukuumadda, iyaga oo sheegay inay xukuumadda falan-qayn iyo xog-waraysi kala soo yeelanayaan sida ay doorashadu u noqon karto mid turxaan la’ oo u dhacda si xalaal iyo xor ah, waxaana ka mid ah waxyaalaha laga yaabo inay salaadiintu xukuumadda kala sheekaystaan  bal inay hayso ciidan nabadgelyo oo hanan kara ammaanka guud ahaan dalka , gaar ahaana goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan.

Sida ay wararka kulankaa ku saabsani tibaaxeen, waxa kulankaa loo balamay mar kale oo maalmaha foodda inagu soo haya ah. 

Inkasta oo ay lixda urur-siyaasadeed wakiilo ka fadhiyeen shirkaa, haddana ururka UDUB ayaa isagoo laba garaba shirka fadhiyay, taas oo uu garab ka mid ah hogaaminayay Maxamed Ismaaciil Bulaale oo dhawaan loo magacaabay Xoghayaha Guud ee UDUB, halka garabka kale ee shirka fadhiyay uu hogaaminayay Dr. Cabid Aw Daahir, oo marar badan ku celceliyay inuu yahay Xoghayaha Guud ee Sharciga ah ee UDUB.

 

Iftiinka Islaamka

 

OGGOLAANSHIHII JIHAADKA

 Markii muslimiinta 13 sano la soo dhibayey, nooc walba oo dhib ahna lagu sameeyey, iyagana aan Ilaahay weli u idmin iney dagaallamaan oo raddi ficil (gacan celin) sameeyaan, intaasna lagu boorrinayey iney ku sabraan dhibka iyo wax walba oo gaalada ka soo gaadha, ayaa markii ay Madiina yimaaddeen, oo dad iyo degaanba ay heleen, waxaa loo idmay jihaadkii waxaana soo degey aayadahan:

((WAXA LOO IDMAY KUWII LALA DAGAALLAMAYEY (INAY DAGAALLAMAAN) MAXAA YEELAY WAA LA DULMIYEY, ALLENA GAR GAARKOODA WAA KARAA, WAA KUWII GURYAHOODA LOOGA BIXIYEY XAQ DARRO IYO IN AY YIDHAAHDEEN RABBIGAAYO WAA ALLE, HADDAYNA JIRINNA IN ALLE DADKA QAARKIIS QAARKA KALE KU DIFAACO WAXAA LA DUMIN LAHAA SAWAAMICDA (MEELAHA YAHUUDU KU TUKATO), BIYACA (KANIISADDA), MEELAHA LAGU TUKADO, IYO MASAAJIDDA DHEXDEEDA LAGU XUSO MAGACA ALLE WAX BADAN, ALLE WAA U GAR GAARAYAA CIDDII U GAR GAARTA (DIINTIISA), ALLENA WAXA UU AHAADAY (ALLE) MID QAWI AH OO CASIIS AH)), (Suuratul-Xaj 39-40).

Aayadahaas wixii ka dambeeyey waxaa si is daba joog ah u bilaabmay isuna raacraacay aayadihii ka hadlayey jihaadka, oo muslimiinta amrayey kuna boorrinayey iney u dagaallamaan jidka Allaah iyo iney kalimadda Allaah noqoto midda koreysa oo caalamka ka talisa. Waxaana uu Ilaahay u ballan qaaday dadka mujaahidiinta ah iney leeyihiin labada wanaagsan midkood: Shahiidnimo ama Guul. Sidaa soo kale wuxuu Allaah sheegay in dadka ku dhinta jihaadka ayna dhiman balse ay Ilaahay agtiisa ku nool yihiin.

Jihaadka qur'aanka iyo sunnaduba aad ayey uga hadleen uguna boorriyeen muslimiinta, aayadaha iyo axaadiista ku soo arooreyna aad ayey u badan yihiin. Jihaaddku waa waajib marna wuxuu noqdaa fardul ceyn marna fardul kifaaya. Wuxuu fardul ceyn noqdaa oo qof walba oo muslim ah ku waajib noqdaa markii beled islaam ah lagu soo duulo ama ciddii uu imaamka muslimiintu amro in ay jihaad u baxdo. Fardul kifaayana wuxuu noqonayaa markii muslimiintu iska deggan yihiin oo iyagu duullaanka qaadayaan, haddiise wax ku filan la waayo dhammaantood waajibkii waa saaran yahay waana dambiilayaal oo ciqaab bay ku muteysanayaan.

Sidoo kale nusuusta islaamku waxay noo sheetay in cisiga islaamku uu ku jiro jihaadka, markii laga tagana uu Ilaahay dulli badayo muslimiinta. Wuxuu Rasuulku SCW yidhi isagoo arrintaa ka hadlaya: "qofkii dhinta isagoo aan duullaan gelin (jihaad) ama aan naftiisa ugu sheekayn jihaadka wuxuu dhintay dhimasho jaahili.

Allaahna sidoo kale isagoo mu'miniinta ku boorrinaya jihaadka wuxuu yidhi:

((ALLAAH WUXUU DADKA MU'MINIINTA AH NAFTOODA IYO MAALKOODA UGA IIBSADAY INAY JANNO U AHOOTO, WAXAY KU DAGAALLAMAAYN JIDKA ALLAAH, WAY LAYNAYAAN WAANA LA LAYNAYAA, WAANA YABOOH XAQ AH OO KU SUGAN TOWREET, INJIIL IYO QUR'AANKA, YAA KA OOFIN BADAN ALLE BALLANKIISA, KU BISHAARAYSTA (MUJAAHIDIINTOW) BAYCIINII AAD ALLE LA GASHEEN, ARRINKAASINA WAXAA WEEYE LIIBAAN WAYN)), (Suuratul-Tawbah 111)

Haddana wuxuu Ilaahay qur'aankiisa ku yidhi:

((KUWA MU'MINIITA AHOW MA IDIN TUSIYAA TIJAARO IDINKA KORINEYSA CADAAB DARAN; WAXAAD RUMEYNEYSAAN ALLAAH IYO RASUULKIISA, WAXAADNA KU JIHAADAYSAAN JIDKA ALLAAH NAFTINNA IYO MAALKIINNABA, TAAS AYAANA IDIIN KHEYR BADAN HADDII AAD WAX GARANAYSAAN)), (Suuratu-Saff 10-11).

Rasuulka SCW wuxuu jihaadka uga hadlay axaadiis tiro badan oo kala duwan wuxuuna yidhi: "Carraabo jidka Allaah (loo carraabo) waxay ka khayr badan tahay adduunka iyo waxa ku jira". Sidoo kale wuxuu Rasuulka SCW yidhi "waxaa la ila soo saaray saacadda (qiyaamaha) horteeda seef ilaa Allaah keliya laga caabudo, resqigeygana waxaa la yeelay warankeyga hadhkiisa hoostiisa, dulli iyo xaqiraadna waxaa la dul yeelay qofkii amarkayga khilaafa, qofkii dad isu ekeysiiyana (ku deyda) iyaguu ka mid yahay". Sidoo kale xaddiis, uu Imaam Axmed weriyey qaybtiisa ugu dambaysa wuxuu Rasuulku SCW ku yidhi "markaad jihaadka ka tagtaan Alle wuxuu idinku ridayaa dulli, idinkana qaadi maayo ilaa aad diintiinna u noqotaan".

Jihaadka waajibnimadiisa waxaa ku jira xikmado iyo faa'iidooyin aad u tiro badan oo aanan wada koobi karin, islaamkuna wuxuu meel walba ku gaadhay wuxuu ahaa jihaad. Jihaadku wuxuu muslimiinta ka saaray dulligii iyo dulmigii ay ku jireen saddex iyo toban sano ee Makka oo aan jihaadka la waajib yeelin, kuwaas oo ahaa in marar badan la isku dayey in Nabiga SCW la dilo, muslimiintana la dabar gooyo.

Markii ay nabiga (SCW) asxaabtiisu soo samrayeen 13 sanno ayuu Illaahay u fasaxay in ay Jihaadaan oo is difaacaan, intaa kadibna waxaa dhacay dagaalo badan oo dhexmaray asaxaabtii uu Nebigu (SCW) hogaaminayay iyo gaaladii ka soo horjeeday Islaamka, kuwaas oo badankooda ay guushu ku raacday Muslimiintii xaqa waday. Dagaaladaana, waxa ugu horeeyey dagaalkii Beder oo ay Muslimiintii ku laayeen qabqablayaashii Quraysheed badankooda halkaa ku dabar go’ay, kadib waxaa dhacay dagaalo kale oo ay ka mid yihiin dagaalkii Uxud oo ka dhacay Madiina agteeda. Dagaalkii Axsaab oo ahaa duullaan ay soo qaadeen huwan ka kooban gaaladii xaqa diidanayd. Dagaalkii Tabuuk markii ay Rasuulka iyo Asxaabtiisii halganka ka wadeen Madiina muddo 10 sanno ah, ayay aakhirkii dib u qabsadeen Maka oo ah baradoodii laga soo saaray. Kadibna Rasuulka (SCW), waxaa u yimid xaqii isaga oo geeriyooday markii ay diintu dhammaystirantay, balse waxa dedaalkii halkii ka sii waday asaxaabtiisii oo Caalamka gaadhsiiyay diinta Islaamka.

 

F/G: Qormadan Iftiinka Islaamka oo joogto ugu soo bixi jirtay Wargeyska bishii barakaysnayd ee Ramadaan, hadda wixii ka dambeeya waxay soo bixi doontaa maalinta Jimcaha haddii Alle yidhaa