“Ma aha inay cid gaar ahi ku maxaafsato ururka saxaafadda”

H

argeysa (Haatuf): Xubno ka mid ah bahda saxaafadda ayaa shalay jawaab ka bixiyey qoraalo lagu baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta dalka oo ka hadlayey xubno sheegay inay urur-saxaafadeed u samaynayaan bahda saxaafadda Somaliland oo ay wakiil ka yihiin, laakiin xubnaha qoraalkan na soo gaadhsiiyey way canbaareeyeen sheekadaa, waxayna sheegeen inaanay cidna wakiil ka ahayn.

Xubnaha qoraalka ay arintaa kaga hadlayaan na soo gaadhsiiyeyna waxay kala yihiin: C/raxmaan Maxamed Guun- gudoomiyaha wargeyska war-jire.

Mustafe Cabdi Ciise—Ex-tifaftire Maandeeq iyo Foosi Ibraahin Cumar- Tifaftiraha War-jire, wuxuuna qoraalkoodu isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan:

“Ma aha wax cusub saaxadda siyaasadda inay cid gaar ahi sheegato magac beeleed ama urur aan sal iyo raad toona lahayn, laakiin waxaanu hadda la yaabanahay inay cidi sheegato urur-saxaafadeed aan jirin, iyadoo aanu ognahay danta laga leeyahay, taas oo aanu u aragno shir-qool lagu duudsiyayo xaq iyo xuquuqda suxufiinta iyo qorayaasha Somaliland .

Anagu waxaanu ka mid ahayn xubnihii bud-dhigga u ahaa talada ah in la sameeyo urur-saxaafadeed ka shaqeeya danaha iyo xuquuqda bahda saxaafadda iyo dadka wax qora, iyadoo uu shardigu yahay inaanu ururkaasi noqon mid ka shaqeeya duudsiga suxufiyiinta. Laakiin nasiib wanaag waqtigaas oo aanu shirar is daba joog ah ku yeelanay xarunta wasaaradda warfaafinta waxaanu dadkayagii halkaa isugu yimi isla fahmi waynay ama isla meel dhigi kari waynay qaabka iyo tubta loo marayo samaynta urur-saxaafadeed. Waxaanu xusuusanahay labada afkaarood ee ugu badnaa dooddii meesha taalay waxayna kala ahaayeen:

Mid leh hala sameeyo urur-saxaafadeed looga qayb galo si shakhsiya oo uu qof kastaa ka mid noqon karo isaga oo aan ka socon joornaal ama idaacad iyo ta kale oo lahayd waa inay xubnaha ururka saxaafadda noqonayaa ka kala yimaadaan hayadaha warbaahineed ee jira (Institutions), kuwaas oo waqtigaa kala ahaa: Jamhuuriya, Haatuf, Maandeeq, War-jire, Codka shacabka, Telefishinka iyo Raadyow Hargeysa, taas oo la lahaa hayadahani ha soo direen wakiilo metela, sidaan halagu sameeyo urur-saxaafadeed ay u dhanyihiin bahda saxaafadda Somaliland, laakiin xiligaaba waxa noo muuqatay talo maroorsi ay cid gaar ahi waddo, waxaana dhacday in si aan xaq ahayn la isu doortay oo uu nin-ba nin uu watay yidhi hebel iigu dara, dabadeedna markii ay arintu halkaa maraysay waxa loo qaybsamay qayb tidhi “Waar sidaa halaga daayo iyo qayb lahayd sidaa halagu wado oo doonaysay inay ku shaqo tagaan magaca ururka, kuwaas oo markasta isu arka inaan iyaga mooyee cid kale jirin, laakiin aakhirkii waxay arini ku soo gebagebowday oo lagu kala tegay in mar kale la isu yimaado oo laga dodo sidii iyo qaabkii wax loo samayn lahaa, waxaana xiligaa carrabka loo badinayey ama la lahaa dadka ururka ka mid  noqonayaa waa inay noqon karaan kuwo ku sifoobay madax banaani, waayo hadii cidii ururka laga samaysan lahaa ay iyadu samayso ururkaasi ma noqon karaa mid ilaaliya xuquuqda suxufiga ama qoraaga.

Hadaba sheekada hadda soo if-baxay oo ahaa mid muddo lagu huursanayey meelo gooni ah ma noqon doonto arin meel-marisa danta saxaafadda, isla markaana wakiil kama aha suxufiyiinta dalka ku filiqsan ama meel haka shaqayso ama yaanay ka shaqayne, mooyi hadii ay iskood isu boqraan. Waxaase wax lala yaabo ah in cidii la is lahaa wax ha isu jiido inay iyadu abuurto jaho-wareer iyo wax kala fogayn, laakiin hadii aanu nahay ragayaga halkan ku qoran oo ay qaarkood yihiin rag ka masuul ah ama leh shabakada wararka qaarkood iyo qaar kale oo badan oo suxufiyiinta Somaliland ah waxaanu ku dhawaaqi doonaa urur-saxaafadeed hadii aan arinta dhulka la dhigin oo talada laga qayb gelin bah-weynta saxaafadda ee xaqa u leh inay ka tashato aayeheeda.

Guntii iyo gebagebadii waxaanu leenahay ma aha wax hawl yar in la iska sheegto urur aan cidna lagu metelin, isla markaana ninka qoraaga ah ee yidhi looma dhama run buu sheegay, sidaa darteed waxaanu carrabka ku adkaynaynaa inaanu ahayn wax loo dhan yahay oo aan marna la isku raaci karin”ayey ku soo xidheen qoraalkooda.

 

 

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Waxa Dhacay

Wax Laga Xumaaday

S

haki kuma jiro dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay ka xumaadeen weerarkii maalintii shalay lala beegsaday madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftiga uu hogaaminayo, iyaga oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada laas-caanood ee xarunta gobolka Sool ee bariga Somaliland. Weerarkaas oo sida ay sheegeen weriyayaashii goobta joogay ay fuliyeen ciidamo laga soo abaabulay dhinaca xarunta maamulka C/laahi Yuusuf ee Garoowe.

Weerarkaas oo ahaa mid lama filaan ah waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac iyo weliba burbur hantiyeed, waxayna arintaasi naxdin iyo qaadan-waa ku noqotay ummadda reer Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale iyo weftigiisu xoog kuma gelin gobolka Sool, isla markaana gobolka Sool ma aha dal ama duni kale ee waa gobol ka mid ah Jamhuuriyada Somaliland ee uu Daahir Rayaale madaxweynaha ka yahay, sidaa da darteedna uu xaq u leeyahay inuu booqasho ku tego. Sidoo kale sida ay wararka safarka madaxweynaha la xidhiidhaa sheegeen imaatinka madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ahayd arin ay hogaamiyayaasha reer Sool qaybtooda martiqaad lahaayeen, iyadoo uu garaad Saleebaan u cadeeyey weriyihii BBC-da ee Laascaanood ka waramayey inay la socdeen booqashada madaxweynaha, taas oo markhaati u noqonaysa inay qaybtooda lahaayeen imaatinka madaxweynaha ee gobolkooda.

Madaxweyne Daahir Rayaale iyo weftigiisu gobolka Sool waxay ku tageen booqasho hawleed, laakiin waxa la kulmay wax lagu tilmaami karo fal argagixiso, iyadoo ay talaabadaa argagixiso fuliyeen ciidamada C/laahi Yuusuf, isla markaana sida ay sheegeen weriyayaashii goobta ka soo waramayey waxa gardarada la lahaa ciidamada C/laahi yuusuf ee ka soo talaabay dhinaca Puntland. Sidaa darteed dhimashadii, dhaawici, burburkii iyo barakicii ka dhacay shalay ka dhacay magaalada laascaanood waxa ka masuul ah maamulayaasha C/laahi Yuusuf, taana waxa markhaati u ah qirashadii wasiirka daakhiliga maamulka Puntand, Axmed Cabdi Xaabsade uu u qirtay BBC-da inuu isagu bixiyey amarka dagaalka, laakiin Axmed Cabdi Xaabsade ma qiran raganimo ee waxa uu qirtay arin cawaaqib-xun leh, waxayse taasi u muuqataa inay C/laahi Yuusuf iyo wasiirkiisa Daakhiliga Axmed Cabdi Xaabsade u cuntami wayday nabadda ay ku wada noolyihiin reer Somaliland iyo weliba deris wanaagga iyo nabadda dhextaal labada dhinac (Somaliland & Puntland), sidaa darteed ay door-bideen inay qoorta u soo dhigtaan dagaal ka aloosma mandaqadda oo u dhexeeya Somaliland iyo Puntland.

Waxa kale oo xusid mudan waan-waantii iyo nabaddii lagu soo dabaalay beelihii gobolka Sool ee ay colaaddu dhexmartay, taas oo ay u tafaxayteen ergo isku dhaf ah oo ka kooban salaadiin, xubno golaha Guurtida ah, duqay, siyaasiyiin iyo wax garad kale oo reer Somaliland, kuwaas oo muddo saddex bilood ah gobolka Sool u fadhiyey xal u helidda shaqaaqooyin gobolkaa ka dhacay, sidaa darteed weerarka ay ciidamada maamulka C/laahi Yuusuf ay sida argagixisada uga dhexbilaabeen Laascaanood waxay u egtahay ujeeddo shirqool ah oo dab lagaga dhex-hurinayo guud ahaan iyo gaar ahaan-ba beelaha reer Somaliland.

Maamulka Somaliland waxa uu xaq u lahaa inuu xili hore sugo xuduudaha Somaliland oo ay ciidamadu qoor walba ka joogaan si aanay cidi u soo hungurayn, laakiin marka laga yimaado wixii dhaliilaha ah ee arintaa looga jeediyo waxaan iyana meesha ka madhnayn ixtiraam loo hayo nabadda iyo derisnimo wanaagga mandaqadda, laakiin maanta waxay iswaydiintu tahay dawladda Somaliland maxay ka yeelaysaa weerarka gardarada ah ee ay la beegsadeen maamulayaasha C/laahi Yuusuf, taas oo ay su’aashu tahay ma faraha ayey ka laabanaysaa, mise way iska waabinaysaa, iyadoo ay dawladda Somaliland waajib ku tahay inay sugto xuduudaha iyo jiritaanka Somaliland.

Arimuhu sida ay doonaan haku dambeeyeen, laakiin wixii shalay ka dhacay waxay dad badan ugu muuqataa sheeko aanay cidhibteedu fiicnayn.

 

 

Saraakiil ka socota Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo 6da urur-siyaasadeed oo booqanaya Baki, Lughaya iyo Saylac

B

oorama (Haatuf): Wefti ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Wakiilo ka socda lixda urur-siyaasadeed ee Somaliland, ayaa booqasho hawleed ku jooga gobolka Awdal.

Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal, Maxamed Cumar oo arrintaa ka soo waramay, ayaa sheegay in maalintii Jimcihii ay xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka qaranka oo ay la socdaan wakiilo ka socda 6-da urur-siyaasadeed ee Somaliland ay u ambabaxeen dhinaca degmooyinka Saylac, Lughaya iyo Baki ee Gobolka Awdal. Warkani, wuxuu intaa ku daray in weftigaas uu hogaaminayay Godir oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ee heer Qaran iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gobolka Awdal, Sacad Sheekh C/raxmaan.

Socdaalkan ayaa sida la sheegay ay weftigaasi ugu kuur-gelayaan goobaha cod-bixinta ee deegaanadaasi, sidii loo diyaarin lahaa, loo qalabayn lahaa iyo magacaabista cidii goobahaas ka hawl-geli lahayd.

Weriye Maxamed Cumar, waxa kale oo uu soo sheegay in ilaa bilowgii bishan ay ka socdeen magaalada Boorama, hawl lagu wacyi-gelinayo dadweynaha reer Boorama, waxtarka hawlaha uu qabto Cusbitaalka daawaynta cudurka feedhaha ee TB ee magaaladaas Boorama. Wacyi-gelintaas oo ay ka qayb-galeen Maamulka Cusbitaalka TB-da ee Boorama, Maamulka Caafimaadka ee Gobolka Awdal, fanaaniin, Sugaanyahano, Macalimiin iyo shaqaalaha badankoodu hoosyimaada Cusbitaalka TB-da ee Boorama. Wacyi-gelinta ayaa ka dambaysay, faham khaldan oo keenay in dad badan ka cowdaan hawlaha Cusbitalkaas oo ay sheegeen in ay magaalada fu leedahay sumcad-xumo iyo waxyeelo Caafimaad, taas oo ahayd mid khusaynaysay dhinaca Cudurka HIV oo ka mid ahaa waxyaabaha laga wacyi-gelinayay.

 

 

Gudoomiye cusub oo loo dhaariyay guddiga doorashooyinka ee Gabiley

G

abiley (Haatuf): Maxamuud Yuusuf X. Cabdi Caamir, ayaa loo dhaariyay Gudoomiyaha cusub ee Gudiga Doorashooyinka degmada Gabiley maalintii shalay. Dhaartaas oo ka dhacday Xarunta Maxkamadda Degmada Gabiley, waxaa sharciga dhaarinta masuuliyiinta mariyay Garsoore Sh. Ismaaciil Muxumed Ibraahim oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Gabiley.

Dhaarinta Gudoomiyaha cusub ee Gudiga Doorashooyinku, waxay ka dambaysa kadib markii uu Gudoomiyihii hore ee Gudigaasi, Xaashi Aw Jaamac uu xanuun awgii uga fadhiistay hawshaas.

Hawsha u diyaargarowga Doorashooyinka Golaha Deegaamada ee ka dhacaysa Somaliland 15-ka bishan aynu ku jirno, ayaa ah hawl aad uga muuqata degmada Gabiley, sida degmooyinka kale ee Somaliland.

Dhaarinta Gudoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka, waxaa ka qayb-galay wakiilo ka socda ururada siyaasadda Somaliland.

 

Doorashada xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gabiley

G

abiley (Haatuf): Ololaha ururada siyaasadda ee Somaliland ay ugu diyaar-garoobayaan doorashada Golayaasha Deegaanka, ayaa shalay ka maraysay degmada Gabiley meel diiran, waxaa magaalada dhexqaadayay kolonyo baabuura oo qaarkood ay saaran yihiin cod-baahiyayaal, kuna naban yihiin calaamadaha urur-siyaasadeedka markaa wata abaabulkaas. Si aanu xog-ogaal uga noqono, halka ay ka marayso hawsha degmada Gabiley hawsha doorashooyinkaasi, wuxuu Wargeyska Haatuf shalay wareysi kula yeeshay Gudoomiyaha Kulmiye ee degmada Gabiley, Sucuudi Sh. Muxumed Warsame, xafiiska ururka KULMIYE ee degmada Gabiley, waxaanu yidhi, isagoo arrintaa ka waramaya; “Ololaha Doorashada ee wakhtigan socda halka uu noo marayo kulmiye ahaan, meel wanaagsan ayuu noo marayaa, dhammaan tuulooyinka degmada Gabiley ka tirsan ee goobaha cod-bixinta oo aanu soo marnay toddobaad ka hor. Muraaqibiintii ayaanu halkaa ka soo samaynay, gudiga ayaanu ka samaynay goobahaas cod-bixinta oo aanu baraynay dadka, habka ay waraaqda cod-bixinta u isticmaalayaan khaas ahaan xisbigayaga siday ugu codaynayaan, si aanay u dhicin aqoon-daro, wajiga labaad wuxuu noqonya wacyi-gelintii, baraarujintii iyo barnaamijyadii siyaasadeed ee uu ururkayagu lahaa oo aanu u sheegno oonu nidhaa barnaamijkayagii siyaasadeed waa sidaa. Barnaamijyadii aanu dadka u ballanqaadaynay iyo barnaamijkayaga ka dhaadhicintiisa ayaanu galaynaa. Meel aad iyo aad aanu ugu faraxsanahay ayay noo maraysaa. Kaambaynkii kama-dambaysta ahaa sidaad ogtihiin, waxaa ka hadhay toddoba cisho maalintii cod-bixinta dhacaysay, ololaha wacyi-gelinta ee ugu ballaadhan maalinta Isniinta ayaanu Gabiley ka bilaabaynaa oo ah xaruntayada, ololahaa hore ee aanu ku soo maray tuulooyinka, waxaanu raacinayeen waraaqaha cod-bixinta ku xulnay waxbarashadooda, mar labaad qofka kartidiisa iyo sida ay u lexejeclaynayaan wax u qabadka.”

Sacad Sh. Muxumed Warsame, isagoo ka hadlayay waxa uu ururka KULMIYE ee degmada Gabiley xoogga saari doono, haddii uu ku guuleysto doorashooyinka deegaanka, waxa uu sheegay in ay Biyaha magaalada Gabiley xoogga saari doonaan, sidii ay dadku u heli lahaayeen biyo ay cabaan magaalada Gabiley shaqo la’aanta oo ay shaqooyin abuuri doonaan iyo beeralayda oo ay ka caawin doonaan dhinaca beeraha.

Gudoomiyaha KULMIYE ee Gabiley oo ka jawaabayay xubnaha uu ururkiisu qayb ahaan ugu talo-galay degmada Alaybaday oo ka mida degmooyinka aan laga dooranayn gole deegaan xiligan, wuxuu yidhi; “Ururkayaga KULMIYE, Alaybaday aad buu u tixgeliyay, wuxuu siiyay lix xubnood oo ah liiska koowaad, liiska labaadna lix xubnood.”

Sucuudi Sh. Muxumed, gudoomiyaha KULMIYE ee Gabiley, isagoo ka hadlaya rajada ururkiisu uu ka qabo doorashooyinka deegaanka ee xiligan dhow, wuxuu yidhi; “Aad iyo aad ayaanu ugu rajo weynahay in aanu lib ka keeno oo aanu guulaysano markii aanu qiyaasnay miyi iyo magaalo, dhammaan 21-ka musharaxa ee ururkayagu way buuxiyeen.”

Isla shalay, waxaa ka ambabaxayay magaalada Gabiley xubno ka tirsan ururka UDUB ee degmada Gabiley oo u kicitimayay degmada Alaybaday, waxaanu xubin ka tirsan ururkaasi u sheegay Haatuf in aan liiska musharixiinta ururka UDUB ee degmada Gabiley ee 21-ka musharaxa in aan degmada Alaybaday xubno kaga jirin, kadib markii ay Alaybaday diiday saddex xubnood oo loo qorsheeyay.”

 

Cumar Carteh Oo Booqday Salaxley Iyo Bali-gubadle

H

argeysa (Haatuf): Musharax ururka HORMOOD, Cumar Carte Qaalib iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa maalintii shalay booqasho ku tegay degmooyinka Salaxley iyo Bali-gubadle iyo deegaanada hoos yimaada, taas oo qayb ka ah ololaha uu ururkaasi ugu diyaar-garoobayo doorashooyinka fooda inagu soo haya.

Cumar Carte, oo dadweynaha ku nool deegaanadaas u jeediyay khudbado kala duwan, waxa uu socdaalkiisa ku sii maray tuulooyinka Qool-caday iyo Toon oo uu uga sii gudbay degmooyinka Salaxley iyo Bali-gubadle, iyadoo dadweynaha ku nool deegaanadaasi ay si weyn u soo dhaweeyeen Cumar Carteh iyo weftigiisa.

“Degmada Salaxley iyo deegaankeeda kuma cusbi ee anigoo yar ayaan geel iyo adhi-ba ku raacay, sidaa daraadeed waxaan ahay nin dhulkiisii iyo deegaankiisii yimid,” Sidaa waxa yidhi, Cumar Carte oo la hadlayay dadweynaha degmada Salaxley, isagoo intaa ku daray in aanay degmadaas wax badani iska bedelin ilaa muddadaa yaraantiisii, sidaa daraadeed ay qorshaha ugu jirto in horumar la gaadhsiiyo degmadaasi iyo guud ahaan dalkaba, waxaanu ka codsaday dadweynaha in ay doorashooyinka soo socda codkooda ku hubsadaan halka ay ka filayaan in ay wax u qabataan, balse aanay sidii mararkii hore codkooda ku ridin meel aanay waxba uga soo noqonayn.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay madax kale oo ka tirsan ururka HORMOOD oo uu ka mid yahay, Maxamed Baaruud Cali oo ku dhiiri-geliyay dadweynaha in ay doortaan ururka HORMOOD ee uu musharaxa ka yahay Cumar Carte.

“Muddo ayay dadku jahawareersanaayeen oo ay isweydiinayeen cida dalka maanta ka saari karta marxalada uu marayo, markaa anagaa u doonay nin rug-caddaaya oo aanu nidhi dalku wuu kuu baahan yahay ee kaalay, halka uu maanta joogo hore uga sii wad, waana Cumar Carte oo aanaan isku cusbayn, balse aanu jeel ku soo wada jirnay.” Sidaa waxa yidhi, Maxamed Baaruud Cali.

Kadib weftigu, waxay u gudbeen degmada Bali-gubadle oo si aad u weyn loogu soo dhaweeyay, waxaanay Madaxda HORMOOD u jeediyeen khudbado kala duwan.

“Degmada Bali-gubadle, waxa ay tilmaan gaara ku leedahay halgankii dalka dib loogu xoreeyay oo ay hooyo iyo xarunba u ahayd, haddii uu halgankii uu dhiiggu ku daatay aynu ku guulaysanay, waxaynu galaynaa halgan kale oo ah dib-u-dhiska iyo barwaaqeynta dalka, sidii lagu yaqaanayna waxaan ku kalsoonahay in degmada Bali-gubadle iyo dadkeeduba kaalintii lagu yaqaanay ay ka qaadan doonaan.” Sidaa waxa yidhi, Cumar Carte Qaalib oo la hadlayay dadweynaha degmada Bali-gubadle, waxaanu intaa ku daray in aanay degmadaasi imika ugu horeyn, balse markii uu ahaa Gudoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Hargeysa ee waagii Isticmaarka Ingiriiska inuu degmadaa uu tegay hirgelinta Berkeddo iyo hawlo kale oo laga hirgelinayay degmadaas. Waxa kale oo halkaa iyaguna ka hadlay Madaxda kale ee HORMOOD iyo duqay iyo waxgarad ka tirsan degmada Bali-gubadle.

Weftigu xalay, waxay u hoydeen degmada Bali-gubadle, iyadoo maanta lagu wado in ay soo maraan deegaamo ay ka mid yihiin Bali-cabane, Fara-weyne iyo degaamada la xidhiidha.

 

ASAD wuxuu si cad u cambaaraynayaa weerarka Xad-gudubka ah”

H

argeysa (Haatuf): Ururka Isbahaysiga ASAD, ayaa xalay soo gaadhsiiyay Wargeyska Haatuf baaq uu ku cambaaraynayo, falka ay shalay ciidan-goboleedka Puntland ka geysteen magaalada Laas-Caanood ee Gobolka Sool ee Somaliland.

Baaqaas oo uu ku saxeexnaa Gudoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan, wuxuu u qornaa sidan:

Ururka lsbahaysiga ASAD, wuxuu si cad u cambaaraynayaa weerarka qaawan ee xad-gudubka ah ee ay ciidamada Maamul-Goboleedka Puntland ku soo qaadeen ciida Jamhuuriyadda Sornaliland.

Ururka ASAD, wuxuu u arkaa weerarkaas gardaro badheedha oo aan geedna loogu soo gaban. Sida laga war qabo Jamhuuriyadda Somaliland, waxay muddo dheer ka shaqaynaysay nahadda iyo xasiloonida Geeska Afrika, jaar wanaaga iyo dhawrista xuduudaha. Haseyeeshee, talaabadaas foosha xun ee uu maanta qaaday maamul-goboleedka Puntland, waa mid aan marnaba loo dul-qaadan Karin.

Sidaas darteed, waxaanu dhammaan Xukuumada, Golayaasha Qaranka, Ururada Siyaasiga ah iyo Shacbi weynaha reer Sornalilandba ugu baaqaynaa inay mawqif midaysan kaga hor tagaam cadowgaa soo weeraya Qaran-nimadii Jamhuuriyada Somaliland oo qof kasta uu waajib ku yahay difaaceedu.

Waxaanu aduunweynaha iyo gaar ahaan dawladaha jaarka ah u sheegaynaa in maamulka goboleedka Puntland (Cubdillaahi Yuusuf) uu carqalad nabadgelyo daro ah ka abuuraayo gobolka.”

 

Ururka Saxaafaddu Kuma Ansaxayo Qoor-Qabad

W

argeyska la yidhaahdo The Republican cadadkiisii shalay waxa bogiisa hore lagu xardhay maqaalad lagu weerarayo shirkadda Haatuf Media Net work ee soo saarta wargeysyada Haatuf Somali, Haatuf-Alcarabi iyo The Somaliland Times, maqaaladaas oo uu ninka wargeyskaa tifaftiraha ka ahi ku sheegay inuu ka soo xigtay guddi uu ugu yeedhay guddi qaban-qaabinaysa urur-saxaafadeed waxa uu wargeyska The Somaliland Times iyo guud ahaan bahda Haatuf kula dul-kufay hadalo qadafka iyo gujo-gujayntu ku badan tahay.

Sidoo kale idaacadda Raadyow Hargeysa waxa 24-kii saacadood ee ina dhaafay lagaga boorikaasayey hadalo lagu weerarayo shirkadda Haatuf Media Network waxau ahayd mid aad ugu xoog-xoogsanaysa maagista Haatuf Media Network. Laakiin waxay iswaydiintu tahay xagee laga raacay Shirkadda Haatuf Media Network iyo wargeyska The Somaliland, sidoo kale waxay su’aasha meesha taal tahay ururka saxaafadda ee ay Raadyow Hargeysa iyo The Repuplican (Jamhuuriya) ku saxayaan yaa leh ?.

Sida hadalada ay labada meelood ku sawaxmayeen ka dhadhamaysay waxay sheekadu u muuqatay inay ka damqadeen war ku saabsan kulan ay dhowaan huteelka Maansoor ku yeesheen suxufiyiin ay tiradoodu gaadhaysay dhawr iyo labaatan, kuwaas oo gebagebadii kulankooda ku go’aamiyey toban qoddob oo anshaxa saxaafadda ah, isla markaana dood ka yeeshay sida ugu haboon ee loo abuuri karo urur-mideeya beesha saxaafadda Somaliland, taas oo ay suxufiyiintii kulanka ka soo qayb galay qaarkood soo jeediyeen in la qabto kulan taf-balaadhan oo ay ka soo qayb galaan dhammaan suxufiyiin Somaliland, iyadoo aan loo kala saarayn mid meel ka shaqeeya iyo mid aan meel ka shaqayn, hindisahaas oo noqday mid ay suxufiyiintii goobta joogtay si aqlabiyad ah ugu guuxeen, uguna go’aan qaateen. Sidaa darteed wargeyska The Somaliland, isaga soo xiganaya wixii meesha laga yidhi ayuu war kooban arintaa ka qoray, iyadoo ay war-bixintana soo gudbiyeen weriyayaashii Haatuf Media Network ee aqoon iswaydaarsigaa ka qayb galay,. Sidaa darteed waxay iswaydiintu maxaa ka dhawaajiyey The Repuplican iyo Raadyow Hargeysa ?.

Jawaabtu meel dheer laga dooni maayo, wayna iska cadahay waxa ka labadaa qolo ka dhawaajiyey, waayo waxa damqay oo keliya inuu ururku noqdo mid loo talo badsado oo ay samayntiisa hareeraha ka soo fadhiistaan bahweynta saxaafaddu. Laakiin marka laga yimaado ninka qora wargeyska The Repuplican oo ay maqaaladiisa wax ka dhadhamayeen, suxufiyiinta iyo hawl-wadeenada Raadyow Hargeysa kama filaynayno inay sabab la’aan makarafoonka uga caayayaan cid ay weliba isku ehel yihiin oo aan wax eed ah ka galabsan, laakiin way iska cadahay inay cidda makarafoonka dabada ka qanjiidhinaysay ahayd wasiirka warfaaafinta oo ay dad badan oo aaminsan yihiin inuu yahay ninka waqtigan xaadirka ah qoorta ku martay samaynta ururka saxaafadda ee leh hadii aanaan anigu samayn janbal ka dhicimaayo, isaga oo dano gaar ah ka leh, waxaase fiicnayd wasiirka warfaafintu kartida uu urur-saxaafadeed noogu samaynayo inuu wax kaga qabto mad-bacadda jabtay ee uu masuulka ka yahay, hadii aan madbacadda loo bakhtiinayn mad-bacadda kale ee wasiirka lagu xamanayo inuu keensaday.

Runtii marka laga hadlayo urur-saxaafadeed oo mideeya beesha saxaafadda mideeya waa in madal loo dhan yahay laga abqaalaa, la iskana waydiiyaa samayntiisa, iyadoo ay taladiisa hareeraha ka fadhiyaan shakhsiyaad suxufiyiinta ahi, laakiin waxay iswaydiintu tahay muxuu noqonayaa hadii ay ururka sameeyaan, kuwii laga samaysanayey oo ah madaxda hayadaha warbaahinta, sida: Madaxda wargeysyada iyo icaadacaha kuwa ay doonaan ha ahaadeen.

Ta kale waxay iswaydiintu tahay ninka qora The Republican iyo cidda makarafoonka Raadyow Hargeysa dabada ka qandhiifanaysaa waa maxay sababta ay uga boodeen talada dhawr iyo labaatan suxufi ee ay muqadaska uga dhigayaan guddi aanay dadka magacooda ururka lagu samaynayaa intooda badani xog iyo xaal ka hayn.

Arinta sida ay doonto ha ahaatee xaqiiqda biyo-kama dhibcaanka ahi waxay tahay hadii la doonayo urur-mideeya dhammaan suxufiyiinta Somaliland, mid goob ku abtirsada iyo mid aan cidna ku abtirsan-ba kuma ansaxayo koox ay Haatuf u gacan haadiso ama Jamhuuriya u gacan haadiso ama wasiirka warfaafintu u gacan haadiyo ama koox kale oo u gacan-haadisa, laakiin keliya waxa uu ku ansaxayaa inay beesha saxaafaddu madal loo dhan yahay oo aan shir-doceed ahayn kaga arinsanto samaynta urur-saxaafadeed mideeya oo ka shaqeeya danahooda, isla markaana ilaaliya xuquuqdooda, balse hadii ay taasi u cuntami waydo nimanka odayaasha ah ee ka sasay araahdii ay isdhaafsadeen suxufiyiintii Maansoor ku kulantay ha ogaadeen inaanay tooduna u cuntamayn qaar kale. Sidaa darteed hadii arinta badka la dhigin waayo, yaan hadhow laysku ceebsan hadii ay intii is afgarataaba urur samaysato.

 

Dagaalka Laas-caanood

L

aas-caanood (Haatuf): Ciidamo ka soo duulay xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe ayaa shalay weerar culus ku soo qaaday wefti uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin oo booqasho rasmi ah ku joogay magaalada Laas-caanoood ee xarunta gobolka Sool, waxaana halkaa ka dhacay dagaal ba’an oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamada maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf, dagaalkaasina waxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay wararku sheegeen inay dhimashadu tahay 3 ilaa 5 qof iyo tiro dhaawac ah uu aan weli la sugin.

Weftiga madaxweyne Rayaale oo ahaa wefti culus waxay magaalada Hargeysa ka baqooleen habeen hore, waxayna weftigaasi magaalada Laascaanood gaadheen barqadii shalay, laakiin sida ay wararku sheegeen abaara 2:30 duhurnimo ayey ciidamo laga soo abaabulay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka C/laahi Yuusuf weerar ku soo qaadeen magaalada Laascaanood, iyaga oo bartilmaameed ka dhigtay guriga ay deganaayeen weftiga madaxweyne Rayaale, laakiin ilaalada weftiga madaxweynaha iyo ciidamada kale ee Somaliland ee fadhigoodu yahay Laascaanood ayaa ciidamada Puntland Tacshiirad ugu jawaabay, waxayna taasi keentay dagaal magaalada hadheeyey oo dhimasho iyo dhaawac geysay.

Weriye BBC-da ka tirsan oo la yidhaahdo Nuur Shire Cismaan oo magaalada Laascaanood ku sugnaa shalay ayaa sheegay inay weerarkaa geysteen ciidamada maamulka C/laahi Yuusuf, iyadoo uu weriyaha BBC-du sheegay inay ciidamada Puntland ee magaalada soo weeraray buuradkoodu ka yimi dhinaca Garoowe, inkasta oo buu yidhi laga yaabo inay qaar kale kaga biireen gudaha magaalada, wuxuuna weriyaha BBC-du intaa ku daray inay dhimashadu tahay ilaa hadda inta la ogyahay tahay 3 qof , sidoo kalena ay guryaha qaarkood waxyeelo soo gaadhay.

Wasiirka Daakhiliga ee maamul-goboleedka Puntland, Axmed Cabdi Xaabsade ayaa BBC-da u qirtay inuu isaga abaabulay dagaalkaa halkaa ka dhacay, isaga oo yidhi “Anigaa amray inay ciidamadaasi weftiga magaalada weeraraan”.

Dhinaca kalena wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo ka mid ahaa weftiga madaxweynaha ayaa nimanka magaalada iyo weftigooda soo weeraray ku tilmaamay shufto ka soo duushay magaalada Garoowe, isaga oo intaa ku daray inay ilaaladii weftiga ee la soo weeraray is difaaceen.

Sida ay wararku sheegeen ciidamada ka soo duulay Garoowe markii ay magaalada soo galeen waxay fureen rasaas xoog leh, isla markaana waxay qaar ka mid ahi jid-gooye ka sameeyeen koontaroolka dhinaca Galbeed ee magaalada, laakiin sida la sheegay ilaalada weftiga madaxweynaha tachsiirad xoog leh ku caabiyey ciidamada soo weeraray weftiga, waxayna weftigu aakhirkii magaalada uga baxeen dhinaca koonfureed, ka dibna waxay wadada kaga dhaceen meel dhexe, iyaga oo dib ugu soo laabtay degmada Caynaba, waxayna wararkii u dambeeyey ee aanu jiidahaa ka helay sheegeen inay weftiga madaxweynuhu xalay ku sugnaayeen magaalada Caynaba.Inkasta oo ay xubno weftigiisa ka mid ahi weli ku hadheen magaalada Laascaanood.

Sida ay wararku sheegeen qaar ka mid ah ilaalada weftiga ayey dhaawacyo soo gaadhin, laakiin wararku ilaa hadda ma sheegin wax dhimasho ah oo soo gaadhay ilaalada iyo xubnaha weftiga midna.

Marar kala duwan oo aanu la xidhiidhnay magaalada Laascaanood tirooyin kala duwan ayey dadkii aanu la xidhiidhnay noo sheegeen dhinaca dhimashada. Sidoo kale waxay wararka Laascaanood in hal baabuur oo tikniko ah laga gubay ciidamada C/laahi Yuusuf, waxaan dhawrka qof ee dagaalka ku dhintay ka mid ah badhasaabkii gobolka Sool ee maamul-goboleedka Puntland, laakiin xubnaha kale ilaa hadda lama kala cadayn waxa ay kala yihiin.

Abaara 8:30 mar aanu la xidhiidhnay dad ku sugan gudaha magaalada Laascaanood waxay noo sheegeen inay magaalada xasilooni tahay oo aanay hadda wax dagaal ahi ka socon, isla markaana waxay tirada dhimashada noogu sheegeen inta ilaa hadda la hubo saddex qof, laakiin mar kale oo aanu saq-badhkii xalay la xidhiidhnay Laascaanood waxay dad magaalada gudaheeda joogaa noo sheegeen sidoo kale inay magaaladu degen tahay, isla markaana ay labadii qoloba (Weftigii madaxweyne Rayaale & Ciimadii Garoowe ka soo duulay) magaalada ka baxeen, iyadoo dadkii aanu la xidiidhnay ay ka muuqatay naxdin iyo argagax. 

Marka laga yimaado hadalka wasiirka xanaanada xoolaha oo ka mid ah xubnaha ku hadhay gudaha Laascaanood ilaa hadda weftiga madaxweynaha wax hadal ahi kama soo bixin, waxayse wararkii u dambeeyey ee degaamadaa naga soo gaadhay sheegeen inay madaxweynaha iyo weftigiisu ku sugan yihiin Caynaba, laakiin lama oga mudada ay halkaa ku sugnaan doonaan ioy sababta ay halkaa ugu sugan yihiin iyo weliba talaabada ay damacsan yihiin inay kaga jawaabaan weerarka ku habsaday. Hase yeeshee warar aanu magaalada Burco ka helay ayaa iyaguna sheegay inay magaalada ka ruqaansadeen cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka oo ay u dhaqaaqeen dhinaca Caynaba, laakiin wararku ma sheegin sababta ay ciidamaasi u ruqaansadeen.

Dagaal cuskaday weftiga madaxweynaha iyo magaalada Laascaanood oo lama filaan ku noqday dadka reer Somaliland waxa noqday arin aad looga xumaaday, isla markaana dad badan dareenkooda kicisay, iyadoo ay dad badani durba canbaareeyeen. Sidoo kale waxay dad badani ku tilmaameen arin cawaaqib xun ku ah nabadgelyada iyo deris-wanaaggii u dhexeeyey Somaliland iyo Puntland, isla markaana saamayn ku yeeshay xaaladda gobolka Sool iyo guud ahaan xaaladda Somaliland.

 

Waraysigii Mingistu

Mingistu Xayle Mariam, isaga oo ku dhex-jira su’aal ahayd bal inuu ka waramo sidii ay wax uga dhaceen Harar xiligii ay dhaqdhaqaaqyadii ciidamadoodu socdeen, waxa uu yidhi: “Maadaama naloo dhamaystiray cod-sigayagii  saraakiishii weftiga ahayd ee aanu xidhnay waanu sii daynay, laakiin isla markaa ayey dawladdii Somaliya ciidamadeedu isku dayeen inay Itoobiya ka soo galaan dhinaca Tog-wajaale, balse waanu fashilanay oo waanu ka hor tagnay.

Hawl-galkaa aanu saraakiisha ku xidh-xidhnay waxa uu ciidamada siiyey calool-adayg, laakiin qaar kale oo ciidamada ka mid ah oo aanay tiradoodu yarayn way nagu kaceen oo naga hor-yimaadeen, gaar ahaana  waxa jiray xubno ciidanka ah oo aniga si gaar ah faraha iigu fiiqay, taasina waxay keentay in gurigayga si digtooni leh loo ilaaliyo, hase yeeshee dhaqdhaqaaqyadayada natiijadii ka soo baxday iyo weliba dhaqdhaqaaqyo kale oo laga waday Nagayle waxay keeneen inay meelo kalena dhaqdhaqaaqyo ka sooo kordhaan.

Hawl-galadayadu may ahayn kuwo iska dhacayey uun, laakiin waxay ahaayeen kuwo ku talo-gal ah oo laga sii diyaar-garoobay. Tusaale ahaan ninka la yidhaahdo Asfaaw markii janaraalada su’aasha loogu sii dhiibay waxa uu hawshaa fuliyey, iyadoo uu gacan siinayo Damaqe Baanjaw, sidoo kale Nigus faanta waxa loo dhiibay masuuliyadda janaraalada xidhan, sidoo kale saddex xidigle Mabgaasha waxa loo xil-saaray inuu amro ciidamada jiibabka wata ee magaalada dhexdeeda wareegayay, waayo waxa uu ninka amniga sugayey, waxa kale oo iyaguna jirey rag oo loo xil-saaray hawl-galo kale, sidaa darteed hawl-galadu dhammaantood waxay ahaayeen kuwo la qaybsaday oo nidaamsan, balse may ahayn kuwo la iskaga talaabsanayey bilaa qorshe”.

Ganat: Hadii aad tidhaahdeen dhaqdhaqaaqu waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq shacbi, maxaad hadaa shacbiga uga qayb gelin-waydeen?

Mingistu:  Anagu dhinaca ciidanka wixii ka bilownay dhaqdhaqaaq ciidan buu ahaa, dhaqdhaqaaqa caynkaas ahna shicibku wuu raaci karaa, hadii uu doonana ma raaci karo, laakiin dhaqdhaqaaqayagii ciidanku xataa iska daa inay shicibku ka qayb galaane ciidanka laftiisa looma ogolayn inay ka soo qayb galaan wixii gaashaanle ka sareeya, waayo hadii la yidhaahdo anagu waxaanu doonaynaa isbedel balaadhan oo ilaa gunta min taxadka ku dhereran saraakiisha sarsare intooda badan may ogolaadeen, waayo waxay ahaayeen niman u jajaban, xidhiidhna la leh maamulkii jiray ee boqortooyada, isla markaana ka taajiray oo ilaashada danahooda oo qudha, sidaa darteed xataa ninka doonaya inuu arinta ku soo biiro, kuma uu degdegayn ama ma doonayn inuu xarakada kacaanka iyo halganka socday inuu si dhamaystiran uga qayb galo, isla markaana marka la eego anagu sidii aanu wax u mucaaridnay iyo sidii adkayd ee aanu arinta isu hordhignay, nimanka saraakiisha sarsare ah way ku adkayd inay sidaas oo kale yeelaan, taasina waxay ahayd waayo-aragnimo nooga korodhay tijaabooyinkii hore ee hawl-galadan la xidhiidhay ee la sameeyey, laakiin dhalinyarada iyo nimanka mawqifka adkaa waxay aaminsanaayeen inay xataa dhaqdhaqaaqa dab u galaan oo ay naftooda u huraan, taasina waxay ahayd sababtii loo yidhi yaanay kulamada dhaqdhaqaaqyadan la xidhiidha ka soo qayb gelin wixii ka sareeya gaashaanle.

Sidoo kale maanu doonayn inay shicibku ka qayb galaan, waayo waxa jira waxyaalo ay shicibka iyo ciidanku wada qaban karaan iyo waxyaalo aanay wada qaban karin, sidaa darteed anagu markii dambe mooyaane intii hore inay ka soo qayb galaan maanu doonayn. Mawqifkayagii adkaa ee Itoobiya ha noolaato  waxaanu doonaynay inaanu ka dhex-abuurno Jamhuuriyadda dimoqraadiga Itoobiya, waxaanuna rabnay inaanu kooxo siyaasiyiin ah aasaasno, iyadoo ay ujeedadayadu ahayd inaanu wadada u xaadhno shicib-weynaha Itoobiya sidii ay dhegayste uga noqon lahaayeen arimaha socda, laakiin ka hor intii aanay taasi dhicin dhaqdhaqaaqayagii hore waxa uu ahaa mid milaterinimo, taas ayaanuna sii wadnay,

Ciidamadii Adis-ababa deganaa ayaa abuuray guddi, waxayna guddigaasi gacanta ku dhigeen isgaadhsiintii, ka dibna waxay ku dhawaaqeen dhaqdhaqaaqii ciidamada, qolayadii Harar joogtayna way noo yeedheen, sidaa darteed shir aanu kaga tashanayno arinta dhacday iyo mawqifkayagu waxa uu noqon doono ayaanu yeelanay, laakiin shirkaasi uma gooni ahayn guutada saddexaad oo keliya ee waxa iyaguna ka soo qayb galay booliska Harar iyo akaademiyadda ciidamada, waxaan laysu sheegay inaanu dhaqdhaqaaqu Adis-ababa oo qudha ku koobnayn ee uu yahay mid qaranku u dhan yahay, sidaa darteed waxaanu go’aansanay inaanu aqbalno casuumadda naloo fidiyey oo aanu ka qayb galno dhaqdhaqaaqa lagu dhisayo dalka mustaqbalkiisa, iyadoo aanu isku qancinay inaanay jirin wax kale oo lagu doorsadaa.

Saraakiishii la soo wakiishay iyo qaar kale oo ah niman derejo leh ayaa isu yimi, waxaana loo sameeyey shuruuc iyo nidaam, halkaasna laga soo xulo nimanka la is leeyahay way u qalmaan inay shirka hogaamiyaan. Sidaa darteed saraakiishii ay farta ku fiiqeen waxa ka mid ahaa aniga (Mingistu), ka dibna ka soo qayb galayaashii shirku waxay isla garteenn in la doorto laba sarkaal iyo saddex nin oo derajooyin hoose leh, waxaana shardi laga dhigay inay nimanka la dooranayaa saddexdii gacmood ama qof-ba ka heli karaan laba gacmood oo ogolaansho ah, sidaas ayaana la go’aansaday, waxaana taa ku heshiiyey guutada saddexaad ee milateriga, ciidamada booliska iyo akaademiyadda ciidamada ee Harar, taas oo ahayd inaanu saddexdaa qaybood qolo walba qaybtiisa ka soo xulo ragga la dooranayo ee wakiilada ah.

Markii xubnaha saraakiisha loo codaynayey aniga markiiba cod-buuxa ayaa laygu doortay, laakiin sarkaalkii labaad iyo saddexdii derejada hoose lahaa ee la xuli lahaa way hakatay doorashadoodu, waayo waxay markii hore waayeen cid hesha saddexdii gacmood-ba laba gacmood sidii uu shardigu ahaa, dabadeedna dhawr goor ayaa lagu cel-celiyey, taasina waxay keentay inay arinta xulistu nagu yara adkaato, waxayna qaadatay maalin dhan.

Waqtigaa waxa gudoomiyaha ururka dhergiga Harar noqday janaraal Tafari Baandi oo ahaa gudoomiyaha taliyaha kuliyadda ciidamada Harar, kadibna Janaraal tafare waxa uu soo jeediyey ra’yi uu leeyahay “Hadii ay nimankii musharaxiinta ahaa heli kari waayeen cod waafaqsan shuruudihii aynu dhiganaya iyo nidaamkii cod-bixinta, ka warama  ninka aynu codka buuxa siinay ee gaashaanle Mingistu Xayle Mariam hadii aynu yeelno inuu isagu doorto cidda uu is leeyahay waxay buuxin karaan shuruucda la sheegay”. Dabadeedna fekradda uu soo jeediyey janaraal Tafare ayaa la go’aamiyey in cod loo qaado , codkaasina uu noqdo cod buuxa oo ay saddexdii gacmood-ba laba gacmood ogolaadaan, ka dibna sidii baa la yeelay, waxaana helay cod buuxa, waana la ansixiyey, ka dibna inta aan kacay ayaa idhi “Marka hore idinka oo aan I waydiin inaan raali ka ahay iyo inkale ayaabad I doorateen, hadana sidee baad u go’aamiseen inaan anigu doorto cid kale oo ila shaqaysa”, laakiin markii aan sidaa idhi ayuuba buuq dhashay, waxaase taa igaga timi canaan badan, iyadoo la igu cadaadinayo inaan sidaa aqbalo, waxaana markaa qasab noqotay inaan aqbalo, dabadeedna waxaan codsaday in waqti yar oo kooban lay siiyo, ka dibna ciidankii ayaan la soo shiray, waxaanuna soo xulay xubno, kuwaas oo aanu shirkii u soo bandhignay, waxayna ahaayeen ragga aanu soo xulay:
1- Gaashaanle Gabrayas Walda Haana

2- Saddex Alifle Damaqe Baanjaw.

3- Saddex Alifle  Niguse Faanta.

4- iyo Saddex Alifle Lagase Asfaaw.

Sidaa ayey ku dhamaatay xulistii musharaxiinta guutada saddexaad ee milaterigu, ka dibna booliska iyo kuliyadda ciidamada ayaa iyana keenay xubnohoodii, sidaa darteed boolisku waxay soo xuleen xubnaha kala ah Gaashaanle Taka Tulu iyo laba kale oo derejo hoose leh, sidoo kale kuliyadda ciidamada waxa laga soo xulay Saddex xidigle Burhaanu Baaye iyo nin kale oo derejo hoose leh, waxayna ragayagii halkaa laga soo xulay tiradoodu ahayd toban qof, kooxdaana waxa hogaamiyey aniga (Mingistu), laakiin maadaama la go’aamiyey inaanu sida ugu dhakhsaha badan Adis-ababa u gaadhno isla maalintaa ayaanu habeenimadii guuraynay, waxaanuna Adis-ababa galay duhurnimadii maalin labaadii, dabadeedna markii aanu meel degnay ee aanu alaabtayadii dhiganaya ayaanu gelinkii dambe tagnay meeshii ay ciidamadu ku shirayeen…

La soco cadadka dambe.

 

Tartanka xisbiyada oo si weyn u saameeyay Qurbo-Jooga reer Somaliland

Waxaa in dhawaydba ka socotay dibadaha loolatan siyaasadeed oo ka dhex socday axsaabta iyagu Somaliland ku tartmayay, kuwaas oo iyagu u kala dheereenayay sidii ay u hanan lahaayeen taageerada shacbiweynaha Somaliland ee iyagu dibada ku dhaqan. Arintan ayaa hadaba keentay in xisbiyo badan ay xafiisyo ka furtaan dhamaan magaalooyinka ay joogaan qurbo joogta Somaliland. Sababaha keentay in xisbiyadu u kala dheereeyaan sidii ay u hanan lahaayeen taageerada shacabka Somaliland ee iyagu dibadaha ku dhaqan ayaa iyadu salka ku haysa laba arimood.

Guud ahaan dadka iyagu jooga qurbaha ayaa ah kuwo xidhiidh joogta ah laleh wadanka, Isla markaana afkaartodu tahay mid ay aad u qadariyaan reer Somaliland, Taas oo keeni karta in xisbiga isagu hanta kalsoonida qurba joogta reer Somaliland, oo noqonayo mid cududiisa xooga leh laga dareemo wadankii.

Arinta labaad ee xisbiyadu ugu kala dheereenayaan sidii ay u hanan lahaayeen taageerada qurbo joogta ayaa ah mid salka ku haysa xaga dhaqaalaha. Taas oo ay markhaati ka tahay in dhamaan xisbiyada Somaliland ee iyagu wadankii ku dhaqani laga masruufu dalka dibadiisa, marka laga reebo UDUB oo iyagu dhaqaalaha ka hela xaga dawlada, maadaama uu yahay xisbiga ay Madaxweynuha iyo dawladiisuba ay ku bahoobeen.
Waxaa haddaba xusid weyn mudan xisbiga KULMIYE oo isagu tan iyo intii lagu dhawaaqay ku socday xawaare aad u sareeya. Koritaanka xisbiga iyo siduu u fidayo ayaa ah mid si weyn looga dareemay dalka dibadiisa. Waxaana dhawaan masuuliyiinta KULMIYE ee UK, Denmark iyo North America ku dhawaaqeen shirweyne ay ugu yeedheen shirweynihii Xisbiga KULMIYE. Shirkaas oo sida saxaafada internetka loogu soo wariyay xusaya in dadka ka qayb galayaa ay isaga imanayaan dhamaan magaalooyinka ay joogaan reer Somaliland ee iyagu ku dhaqan North America, United Kingdom iyo Denmark. Arintan ayaa ah markii ugu horaysay ee xisbi Somaliland ka tirsan uu qabto shir baaxadan oo kale leeg.

Waxaa kale oo isna xusid mudan xisbiga UCID oo isna ku qabsanaya dalka Canada shirweynihii xisbiga UCID ee North America. Xisbiyada kale ayaan ilaa hada qaban shirweynahoodi dibada.

Haddaba waxaa wax lagu faano ah in maanta Somaliland ay gaadhay wakhti ay xisbiyadeedii ka hawl galaan wadanka gudahiisa iyo dibadiisaba. Waxaynu sugnaaba waa tartankii doorashooyinka gobolada oo si xasilooni iyo hufnaani ku jirto u qabsooma.
Aduunweynahana aynu tusno in Somaliland dimuqraadiyada ka jirtaa u noqon karto wadamo badan oo African ah tusaale.

Osman Awad

 

Diblomaasiyadd iyo Hab-Maamuuska

 

High Commissioner

Haddii aad Dibadda ka Noqoto Diblomaasi oo safaarad laguu magacaabo waxa suurtowda in aad la kulanto Madaxda Ergooyinka Diblomaasiga ah oo qaarkood loogu yeedhayo "Mr High Commissioner" Qaar kalana loogu yeedhayo "Mr Ambassador".

Darajada "high Commissioner" waxa ku jira dalalka ku jira barwaaqo sooranka (Commonwealth-ka) oo marka ay dhexdooda is dhaafsanayaan Danjire siiya darajada high commissioner. Tusaale:-high Commissioner-ka" dalka kenya ee jooga Hindiya Marka loo badalo dal aan ku jirin Barwaaqo-sooranka (Commonwealth-ka) Darajadiisu waxa ay noqonaysaa "Ambassador"

Dalalka ku jira barwaaqa sooranka waa konton dal in ka badan waxana ay leeyihiin nidaam dawladeedka jamhuuriga ah. marka ay dhexdooda is dhaafsanayaan danjirayaal magacaabidu waa "letter of Commission"waxana saxeexa madaxweynaha waxana loo qoraa madaxweynaha dalka loo magacaabay "High Commissioner-ka"

waxa jira dalal dhowr ah oo ka mid ah Ururka Common wealth-ka oo toos u hoos yimaad boqorada Ingriiska Elizabeth II .Dalalkaasi waxa ka mid ah Australia, Canada, Mauritius iyo New Zealand. Dalalkooda waxa jooga "Governor General" oo wakiil ka ah boqorada Ingriiska Elizabeth II hase yeeshee in Muddo ahba waxa saxeexii lagu wareejiyay "Governor Generalka"oo Intii warqadaha loogu geynlahaa Boqorada halkeeda "buckingham Palace"london waxa saxeexa Governor Generalka oo ku saxeexa "in the Name And on Behalf of H.M. the Queen.........

Marka hawlaha la xidhiidha Magacaabidda "high commissionerka" la dhameeyo ayaa la ogeysiisyaa Boqoradda lagana Codsadaa in ay u qorto "letter of commison"

Madaxweynaha loo dirayo "High Commissionerka"

waxa ay su,aal fajac lihi ka soo baxday marka "High commission" isku dirayaan dalalka ay xukunto boqoradda Ingriisku ..dalalkaasi ay Xukunto Boqoraddu iyaga ayaa dhexdooda isku qora"Letter of introduction " halkii laga Qori lahaa "letter of Commission" waxana toos iskugu qora Raysal wasaarayaasha dalalkaasi...

Xuquuqda Diblomaasigu uu Leeyahay.

Diblomaasigu si uu u Ogaado Xuquuqda uu leeyahay waa in uu akhristaa Inta uu Ergada yahay . Xeerka Vienna Convention .halkaasi ayey ku dhan yihiin Dhamaan Xuquuqda uu leeyahay Diblomasigu..waxana ku haboon mar walba Diblomaasiga in uu akhristo Shuruucda dalka loo magacaabay. Gaar ahaan kuwa Khuseeya Haayadaha diblomasiga ah, waxanad mar walba ogaataa in dalalka Aduunka oo Dhami ka Dhaxeeyo Xeer Vienna Convention..Haddana Dal waliba waxa uu leeyahay Sharci Hoosad u gaar ah kuwaas oo lagu maamulo haayadaha Diblomaasiga ah. iyadoo laga Shidaal qaadanayo Xeerka Vienna, ayaa hadana la tixgalinayaa danaha u gaarka ah Xeerka Vienna Xuquuqda ee uu leeyahay Diblomasigu waxana ay ku cad yihiin qodobadaasi 29 ilaa 36 ee Xeerka Vienna "Diplomatic Relations"

Waxanan qof walba u haboon in uu akhristo Xeerka Vienna Ee Xidhiidhka Diblomasi. iyo Xeerka Vienna, ee Xidhiidhka Qunsuliyadaha .Taas oo diblomasiga ogeysiin karta waxa uu xaq u leeyahay iyo waxanu xaq u lahayn.

Qof ka Aan La Rabin (Persona Non Grata )

Qodobka 9aad ee Xeerka Viena 1961 waxa uu qorayaa in;"Dawladaha Martida Loo yahay Mar alaale marka ay Doonto Eryi karto danjiraha ama diblomasiga kale iyadoo aan Sheegin sababta ay u Eriday Waxana lagu Dhawaaqayaa In uu yahay Qof Aan la Rabin. (Persona Non Grata) Haddii ay taasi Dhacdo waa in ay Dib ugu Yeerataa Dawladii soo dirsatay ama ay ka Joojisaa Shaqada.

Haddii ay dawlada soo dirsatay Diblomasigaa ay Oofin weydo Amarkaa .dalwada uu martida u yahay waxa ay kala Noqonaysaa Diblomasigaa Aqoonsigii ay u aqoonsaneyd in uu ka tirsan yahay Ergada.

Arrintani waxa ay dhacdaa marka uu danjiraha ama Diblomaasiga kalaba uu faraha la galo hawl aan ahayn tii uu halkaasi u joogay. waxana inta badan lagu Eedeyaa Diblomasiyiinta Basaasnimo.

Maxaa la Gudboon Dawlada la soo Eryay Diblomaasigeeda?

Dawlada la soo Eryay Diblomasigeeda waa In ay u Aar Gudaa Diblomasigeeda waana in ay Eridaa Mid la darjo ah Diblomasigaa la soo Eryay, haddii ay tahay Eedaynta danjiraha lagu eedeeyay mid wax u dhimaysa Danaha Dalka waa in la eryaa diblomaasiga u dhigma.

Sikastaba ha ahaatee Shaki kuma jiro in ay talaabo qaadayso dawlada Diblomasigeedii la soo Eryay .Diblomasigu ha saxsanaado ama Ha khaldanaado . Diblomasiga la soo Eryay dalkiisu waa in uu Eryaa mid u dhigma sidaas ayey sharfta dalku ku jirtaa. Talaabadaa Aar Gudashada ah waxa loo yaqaan.

"Principle of reciprocity" or ("Tit for Tat"....

La soco qaybta danbe...