Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1086 Apr. 16,2006

Kuuliyada Tababarka Macalimiinta Oo Dufcadii Labaad Ee Ka Qalan-Jebisa Shahaadooyin
Gudoonsiisay

Shilin Somali Faalso Ah Oo Burco Kaga Soo Fatahay Puntland Iyo Dhibaatada Ay Ku Hayso Dhaqaalaha Dadka
Warbixin – Weriye Axmed Aadan Yuusuf

Masuuliyiinta Saddexda Gole Qaran Kaga Jira Bariga Sanaag Xog-Ogaal Uma Aha
Xaalada Ka Oogan Majiyahan”

Shir-Gudoonka Wakiilada Oo Ka Fiirsanaya
Mudanayaal Nairobi U Tegaya Shir
Sas-Siyaasadeed Leh Oo Ay Akademiyaddu
Casuumadiisa Keentay

Wasiirka Qorsheynta Oo Xafiiskiisa Si Fool
Xun Uga Dareeriyey Masuuliyiinta Hay’adda WHO

Golahayagii La Soo Doortay Waxa Garbo
Duub U Xidhay Distoorka Oo Iska Hor
Iyo Daba Imanaya”

Burco: Qaar Ka Mida Ganacsatada Suuqa Sheekh Bashiir Oo Cabasho Ka Muujiyay Mashruuc
Sariibadda Dib Loogu Habaynayo

Maayarka Sheekh Oo Ka Dayriyey Macaluul Ba’an Oo Ka Jirta Meelo Ka Mida Degaanada Bariga
Iyo Galbeedka Degmadaasi

Taliyihii Hore Ee Ciidanka Bileyska Oo Xalay Ku Geeriyooday Hargeysa

Wararkii Soomaaliya

ASLI INTERNET: Cali Duul-Duul

ODHAAHDA AKHRISTAHA : “Madaxda Sare Ee Qaranka Iyo

Wali Ma Ragbaa Ku Fikiraya In Ay Shacbiga Ay Ka Dhigtaan Xaabo La Shito

Maxay Qabtaan Ururka Waayo-Arag?

 


Kuuliyada Tababarka Macalimiinta Oo Dufcadii Labaad Ee Ka Qalan-Jebisa Shahaadooyin Gudoonsiisay

Hargeysa, April 16, 2006 (Haatuf) – Xarunta Kuliyada Tababarka Macalimiinta ee magaalada Hargeysa ayaa maalintii Khamiista ee todobaadkii hore xalfad qalin jebin ah loogu qabtay dufacdii labaad ee ka qalin jebisa kuliyadaas oo ka koobnaa 80 macalin.

Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb-galeen Xildhibaano ka kala socday golayaasha guurtida iyo wakiilada, salaadiin iyo marti sharaf kale oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayay 80-ka macalin ee tobabar laba sannadood iyo badh ah u dhamaaday ayaa waxa ugu horeyn halkaa khudbad ka soo jeediyey maamulaha kuliyada tababarka macalimiinta Prof. Axmed Cabdi Dacar, waxaanu ka waramay aasaaskii kuliyadani ku soo bilaabantay iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, waxaanu sheegay in kuliyadani oo fekerkeeda lahaa ay ka dhalatay baahida loo qabo macalimiin tayo leh oo ka hawl-gala dugsiyada waxbarashada oo uu sheegay inay ka bilaabeen ardayda fasalada 2-aad ee dugsiyada sare, isla markaana waxa uu sheegay in dufcadani ay tahay tii labaad ee ka baxda kuliyadan oo 80 macalin ah, horena ay uga baxeen 109 macalin oo uu dhamaantood sheegay inay wax ka dhigaan dugsiyada dalka.

Prof. Axmed Cabdi Dacar waxa kale oo uu sheegay in shaqaalayntii dufcadii hore ee macalimiinta uu qayb libaax ka qaatay madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo uu codsigaa u bandhigay, isaga oo golayaashana u soo jeediyey in 80-ka macalin ee tababarku u dhamaadayna iyagana la shaqaaleeyo. Waxaanu soo jeediyey in gudi waxbarasho oo heer qaran ah loo sameeyo dalka iyo in miisaaniyada lagu daro kuliyada tababarka macalimiinta, taas oo uu sheegay inaan waxba loogu darin miisaaniyada 2006 macalimiintii tababarku u dhamaaday. Waxa kaloo uu aad ugu dheeraaday sida loogu baahan yahay in macalimiinta dugsiyada waxbarashada dalka ka dhiga tababar macalinimo la siiyo si waxbarashadu tayo u yeelato.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay xildhibaanada ka kala socday wakiilada iyo guurtida ee kala ah Maxamee Cumar Jiir, Caydiid Cabdi, Mataan Hoori, kuwaas oo dhamaantood u balanqaaday inay u hawl-geli doonaan sidii loo shaqaalayn lahaa macalimiinta tababarku u dhamaaday.
Gebagabadiina waxaa halkaa shahaadooyin ku gudoonsiiyey macalimiinta qalin jebisay Suldaan Cumar Suld. Maxamed Faarax.
 

Top


Shilin Somali Faalso Ah Oo Burco Kaga Soo Fatahay Puntland Iyo Dhibaatada Ay Ku Hayso Dhaqaalaha DadkaWarbixin – Weriye Axmed Aadan Yuusuf

Burco, April 16, 2006. (Haatuf) Magaalada Burco ayaa waxa waayadan danbe Dhinaca Gobolada Puntland ee Somaliya kaga soo fatahayay Lacago Faalso ah oo Shilinka Somaliya ah, lacagtan faalsada ah ayaa markii hore waxa ay magaalada Burco, ku soo gashay si sahal ah oo aan qarsoodi lahayn maadaama Gobolada Barri ee S/land laga Isticmaalo lacagaha Shilin Soomaliga ah taasina ay sahashay in ay lagacaha faalsada ah ee Qabqablayaasha Soomaliya iyo Ganacsatadoodu ay sida fudud Isaga soo dabacdaan ayaa Gobolada Bari ee S/land lagaga urursadaa lacagaha adag sida Dollar-ka lacagahan falsada ah oo si aada u gashay suuqyada Magaalada Burco ayaa ilaa iminka aanay xukuumada S/land wax talaabo ah oo wax ku oola aanay ka qaadin marka laga yimaado maamulayaasha Dawlada ee Gobolka oo 10/4/2006 oo shir ay ku qabteen xarunta Gobolka kaasi oo ay ka qayb galeen qaar ka mid ah ganacsatada gobolku, waxayna shirka ganacsatada kaga codsadeen in aanay lacagtaa aanay qaadan oo aanay wax ku iibsan iyo odhaaho kale oo aad moodo in aanay macna wayn samaynayn marka loo eego Dhibaatada ay arintani u leedahay Gobolada Bari ee S/land oo iyagu in badan xukuumada S/land ka codsaday in lacagtan ay ka Bedosho balse xukumaddu aanay marna dheg u jalaqsiin dantay doontaba haka lahaatee, shirkaas ayaa ganacsataduna dhinacooda soo ban dhigeen Baaqoodii Hore ee ahaa in ay xukuumadu arintaa si xilkasnimo ah ay wax uga qabato oo ay Gobolkan iyo Gobolada kasii Bariyeeya ee S/land laga bedelo lacagaha shilin Soomaaliga ah ee dadka degaanada ku hayaa dhaqaala burburka, Balse masuuliyiintii dawlada ee shirka qabtay may dhaafin Hadaladoodi Hore ee Salaba-qawda ah, Siday doontoba ha ahaatee lacagahan faalsada ah oo suuqyada magaalada Burco si xooga u soo gashay ayaa wararka ka iminaya dhinaca Maamul Goboleedka Puntland waxa ay sheegayaan in lacagatan laga soo daayay Bangiyada Puntland lagala cararayo Lacago jidka ku soo jira oo ay Dawlada Ku Meel gaadhka ee Cabdulahi Yuusuf Madaxwaynaha ka yahayay leedahay Lacagtaasi oo Sida ay wararku shegayaan laga yaabo in ay Dhowaan soo gaadho Puntland ayaa waxa ay halis ku tahay Gobolada Bari ee S/land oo hada la il daran Abaaro Baahay iyo duruufo dhaqaale waxayna Arintaasi keeni kartaa hadaan laga gaashaaman Xaalad Nololeed oo halisa.
 

Top


Masuuliyiinta Saddexda Gole Qaran Kaga Jira Bariga Sanaag Xog-Ogaal Uma Aha Xaalada Ka Oogan Majiyahan”Axmed Aadan Guure, Siyaasi U Dhashay Bariga Sanaag

Hargeysa, April 16, 2006 (Haatuf) – Gudoomiyhii hore ee USP Axmed Aadan Guure ayaa sheegay in baaqii ay soo saareen masuuliyiinta saddexda gole qaran kaga jira beesha bariga Sanaag aanu ahayn mid ka turjumaya xaalada dhabta ah ee ka aloosan degaanka Majeyahan ee bariga Sanaag, balse waxa uu sheegay in Afhayeenka Suldaanka beesha Warsengeli Axmed Faarax uu uga xog-ogoaalsanaa xaalada dhabta ee ka jirta degaanadaasi.

Sidaana waxa uu ku sheegay xog-waran uu shalay siiyey Haatuf Axmed Guure, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu aad uga xunahay siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta kaga jira golayaasha qaranka beesha bariga Sanaag inaanay wax badan kala socon xaalada ka jirta degaanka Majeyahan, waxaana xaqiiqadu tahay inuu gudigaasi uga xog-ogaalsan yahay Afhayeenka Suldaanka Beesha Warsengeli Axmed Faarax, waxaanu ka mid yahay raga waxgaradka ah eek u dhowdhow suldaanka guud iyo xaalada dhabta ah ee beesha Warsengeli. Suldaankuna shirarka marka uu qabto ee uu gudoomiyo waxa uu go’aanmka u igmadaa cid ku dhawaaqda go’aanadaasi, wax mucjisa ahna maaha inuu Axmed Faarax go’aankii beesha ka soo baxay saxaafada u shego. Waxaana laga yaabaa nimanka leh saddexda gole ayaanu ugu jirnaa beesha bariga Sanaag inaanay haba yaraatee wax ay kala socdaan xaalada colaadeed ee ka jirta Majeyahan aanay warba u hayn, ilaa hadana wax deeq ah oo loo fidiyey dadweynaha ku dhaqan bariga Sanaag ma jirto, balse iyagaa isku tashaday oo isku xilsaaray difaaca dhulkooda. Raga beesha kaga jira maamulka iyo golayaashuna waa arimihii ay ka hagradeen xilkooda 15-ka sannadood taagnaa, Afhayeenka Suldaanka guudna wrkii uu sheegay wuxuu ahaa mid ka turkumayay xaalada ka taagan Majeyahan”.
 

Top


Shir-Gudoonka Wakiilada Oo Ka Fiirsanaya Mudanayaal Nairobi U Tegaya Shir Sas-Siyaasadeed Leh Oo Ay Akademiyaddu Casuumadiisa Keentay

“Akademiyada waxaanu ka codsanay inay
noo keenaan ajandihii ay ku tagayeen,
shirgudoonka iyo mudanayaashu toona ku
talaabsan maayaan wixii danta Somaliland
ka hor imanaya” Shir-gudoonka Wakiilada
“Haddii sida la sheegayo wax Imbagati iyo
Puntland ku shaqo leh uu yahay ma tagayno”
Saddexda Mudane

Hargeysa, April 16, 2006 (Haatuf) – Shir-gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland iyo saddex mudane oo ka mid ah mudanayaasha golaha oo ka qayb-galay aqoon-isweydaarsi la sheegay in lagu qabanayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa beeniyay in kulankaas ay ka qaybgelayaan ay ku kulmayaan xubno ka socda Baarlamaanada dawladda Imbagathi ee Somalia iyo maamul-goboleedka Puntland.

Beenintani waxay ka dambaysay kadib markii uu wargeyska Codka Shacabku cadadkiisii shalay baahiyay in mudanayaal ka kala socda baarlamaanada Somaliland, Dawladda federaalka Somaliya (TFG) iyo maamulka Puntland ay ka wada qayb-galayaan aqoon-isweydaarsi loogu qabanayo Nairobi.

Marti-qaadka mudanayaasha baarlamaanka Somaliland lagaga soo casuumay kulankan ayaa la soo mariyay Akademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, kaas oo uu soo diray xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi, iyadoo ay Somaliland uga qayb-geli doonaan saddex Mudane oo uu shirgudoonku ku wargeliyay xidhitaankii kalfadhigii koowaad ee golaha wakiilada.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo aanu arrintaas wax ka weydiinay ayaa xaqiijiyay in casuumadaasi jirto, loona soo mariyay Akademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, balse waxa uu gaashaanka ku dhuftay inay Mudanayaashani ka qayb-galayaan kulan ay isugu imanayaan baarlamaanada Somaliland, TFG iyo Puntland.

Mudane Baashe waxa uu sheegay in kulankan lagu casuumay xubnaha baarlamaanka Somaliland, ujeedadiisu tahay in mudanayaashu casharo la xidhiidha sidii doorashooyinku uga qabsoomeen Somaliland siiyaan xubno ka kala socda ururada bulshada ee Somalia, waxaanu yidhi: “Wararka sheegaya in xildhibaano ka tirsan wakiilada Somaliland iyo kuwo ka kala socda qaybaha Somalia ku kulmayaan magaalada Nairobi waxba kama jiraan, waana been aan sal iyo raadtoona lahayn. Akademiyada Nabadda ayaa waxay naga codsatay shirgudoon ahaan inaanu u calaamadino saddex mudane oo ka tirsan saddexda xisbi oo siminaar Nairobi ah loo diri doono, annaguna saddexdii mudane ayaanu magacawnay, akademigana waxaanu ka codsanay inay noo keenaan ajandihii mudanayaashu ku tagayeen iyo cida marti qaaday, shalay ayaanay noo soo gudbiyeen, waxaana marti qaadka casuumadda ah ku qornaa ururka Midowga Yurub oo ujeedadiisa lagu sheegay sidii ay mudanayaasheenu casharo uga siin lahaayeen ururada bulshada ee ka kala socda Puntland iyo koonfurta Somalia, manay jirin wax go’aan ah oo marka horeba uu golaha wakiiladu ku gudoonsaday in Mudanayaasheena loo diro kulano ay iskugu imanayaan xubno baarlamaan oo ka socda somalia, imikana waxaanu ka war sugaynaa komishanka doorashooyinka qaranka oo xidhiidh la sameeyey qoladii marti qaadka samaysay, sidaas darteed ilaa hadda go’aan rasmi ah islamaanu qaadan gole ahaan aqbalaada marti qaadkaa, balse waanu hubin doonaa ilaa inta aanu xog rasmi ah ka helayno cidda marti qaadkaa isugu imanaysa iyo shaqsiyaadka lagu casuumay-ba golaha wakiiladu hubsiimo ayuu ku jiri doonaa, wixii danta Somaliland ka hor imanayana shirgudoonka iyo mudanayaashu toona ku talaabsan maayaan, mudanaayasha iyo shirgudoonkuna may ahayn kuwo aan arrinka ku wada socon.”

Dhinaca kale Mudanayaasha shirgudoonku u xulay inay ka qayb-galaan kulankaas, ayaa sheegay inaanay ka qayb-galeen kulan ay isugu imanayaan Puntland iyo Somalia inteeda kale toona, isla markaana waxay xuseen inaanay weli hayn ajandaha kulanka ay ka qayb-galayaan.

Mudanayaashan oo magacyadoodu kala yihiin: Maxamed Faarax Qabille (UCID), Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” (KULMIYE) iyo Maxamed Barkhad Miigane (UDUB), ayaa shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xarunta golaha wakiilada waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen warka Wargeyska Codka Shacabku baahiyay, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay Mudane ka tirsan golahooda oo magaciisa la yidhaahdo Siciid Maxamed Cilmi oo ay sheegeen inuu damac ka mid noqdo mudanayaasha kulankaas ka qayb-galaya.

MP, Maxamed Faarax Qabile oo ugu horeyn shirkaas jaraa’id ka hadlay, ayaa hadalkiisa ku bilaabay: “Warka Wargeyska Codka Shacabka oo ahaa xildhibaano ku socday shir Imbagaati oo uu hakiyey shirgudoonka goluhu, warkaaas saacado ayaynu ka joognaa wakhtigan shirka jaraa’id aanu qabanayno, runtiina waanu la kulanay cidii ay khusaynaysay oo ahaa gudoomiyaha 2-aad ee golaha wakiilada, waxaanu yidhi arinkaasi arin aniga iga baxay maaha. Dabadeed mudadaa yar waanu raadinay meeshii warkaasi salka ku hayey, waxa jiray mudane golaha ka tirsan oo ayaamahanba doonayay muraad uu u lahaaba inuu tago Kenya oo aan ku jirin guddidayadaas la diray ee siminaarka u baxaysay. Anaga bishii hore 29-keedii oo ku beegnayd maalintii goluhu fasaxa galayay ayaa lanagu war-geliyey saddexdayada mudane oo ka tirsan saddexda xisbi ee UDUB, UCID iyo Kulmiye inaanu siminaar aqoon korodhsi ah u tegayno Nairobi, cidda na soo war-gelisayna wuxuu ahaa shirgudooonka golaha, waxa lana yidhi Baasabooro doonta, waananu doonanay si Official ahna waanu u soo qaadanay, ka dib Akademiyada geeya ayaa nala yidhi, anagoo amarkii shirgudoonka ku socona sidii baanu ku geynay, imikana ku sugaynaa, saaka warkan oo lama filaan ah ayaa nagaga soo baxay jariidada Codka Shacabka, aad baanu ula yaabnay, waana arin dhabar-jab ku ah sharafta golaha iyo kaayagaba. Runtii marka hore waanu ka xunahay arintaas haybadayada wax u dhimaayay, cida warkaas fidisayna aanay ahayn cid nasteex u ah golaha iyo shaqsiyadayadaba. Haddaba, nin baa yidhi caano waan jeclaa, markayse candho dameeraad galeen ayaan ka hadhay. Warkaa waanu raadinay, waxaanu nala galay guntii iyo gabagabadii mudane naanays hore ku lahaa golaha intii uu ku jiray mudanahaas, waxaanu leenahay iyo cidii kale ee waxaas u anoobaanta gabay Somali ah baa wuxu dhigayaa hadii aanu cuud aad dhaqday iyo curado kaa layn, rag cayaayir loolama tagoo cod iyo duullaane”.

Sidoo kale Md. Cali Mareexaan oo isna arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi: “Anaga waxaa naloo sheegay in saddexdayadan mudane siminaar la soo codsaday oo shirgudoonka lala soo xidhiidhay, wargelintayadu taas ayay ahayd, dariiqa uu noo soo marayna kaas ayuu ahaa, mudadii ka dambeysay waxaanu galnay laba arimood, midi waxay ahayd diyaar-garowgii safarka iyo wixii ku xidhnaa aanu ka hawl-galno oo ay ugu horeysay sifaha lagu tegayo, taas oo aanu markiiba shardi uga dhignay inaanu ku tagno baasaboorka somaliland, dad badan oo hore u tegay waxay noo sheegeen inaan baasaboorka Somaliland lagu tegi karin, laakiin annagu waxaanu nidhi mudaneyaal la soo doortay baanu nahay oo ummadii ka wakiil ah, kuma tegi karno waxaan baasaboorka Somaliland ahayn, hadii aan baasaboorka Somaliland laga ogolayna ma tegayno. Shardigaas waa la soo aqbalay. Mar labaadkii waxaanu codsanay in ajandaha la noo soo gudbiyo, shirgudoonkaananu kala soo xidhiidhnay, shirgudoonkuna warqad buu u qoray Akademiyada iyo hay’adii kale ee shaqada ku lahayd in wax ajanduhu ku saabsan yahay ee laga wada hadlayo iyo waxa laga rabo xubnaha baarlamaanku inay soo cadeeyaan, markaa halkaas ayay noo maraysay. Runtii maanta ayuun baanu jariiradaa ku aragnay iyo maalin kale oo isla jariirada uun ah. Waxa wargeyska ku qorani waxay u muuqatay in la leeyahay mudanayaal si dusmo ah ku baxaya oo aan shirgudoonkii iyo qarankii la ogeyn oo uun si gaar ah iyaga uun loo casuumay, taasina waa wax aan waxba ka jirin. Markaanu baadhnayna waxay noqotay in la dhadhan xumaynayay oo si ula kac ah loo xantay, imikana waxa weeyaan cid kastaaba ha ku aroortee cidda sidaa wax u dhigtay waxaanu doonaynaa in sharciga la horkeeno, isla markaana xeer ilaaliyaha guud waxaanu u qoraynaa qoraal aanu doonayno in waxaa baadhitaan lagu sameeyo, cadaalada la horkeeno wixii sameeyey sumcad darada iyo beenta intaa le’eg”.

Mudane Miigane ayaa isna isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi: “Waxa jirtay waayadan in aanu codsanaynay in lanoo sameeyo siminaaro ama tababaro golaha, kaas oo xirfadooda kor loogu qaadayo oo aqoontooda kor loogu qaadayo, markaa markii anaga nala yidhi waxaad tegaysaan shir Nairobi ah, runtii waxaanu is-nidhi saddexdayada mudane ee saddaxda xisbi ka kala socda inay arintu la xidhiidho siminaaradii aanu ka codsanaynay Awepa inay noocii tahay, aad baanu ugu faraxnay. Anaga wax alla wax ajande ah kamaanu haynin, waxa naloo soo maray shirgudoonkayaga, warkii uu na siiyeyna waanu ku taamilo qaadanay, baasaabooradii ugu geynay, anagoo ajandihii sugayna ayaa arimahani soo baxeen. Arimahana sharciga ka yaala waynu ognahay, Imbagaati raggii xeerka ka soo saaray ayaan ka mid ahaa saaxiibaday way cusub yihiine. Imbagaati ninka taga waxa uga yeela waynu garanaynaa, arinta waxaanu u qaadanay shaqsiyad dil, maanta baarlamaan Imbagaati tagi kara ma nihin, waxaanu nahay baarlamaan la soo doortay. Anagu waxaanu leenahay ama Akademiyada ha ka soo baxdo ama mudane kale ama jariirada ay ka soo baxday, intii ay khusayso ee ay taabataba waanu dacweynaynaa, kiis baanuna ku oogaynaa, waayo arimihii go’aan ka yaalo ayaa maanta la leeyahay ragaasi way tegayaan. Ajandahana Akademiyadii ilaa imika nooma sheegin, shirgudoonkuna nooma sheegin ee cidii waxani ka soo baxay ayaanu ka rabnaa”.

Intaas kadib warfidiyeenada ayaa su’aalo shirkooda jaraa’id ku saabsan weydiiyay saddexda Mudane, waxaanay su’aalahaas iyo jawaabihii ay ka bixiyeen u dhaceen sidan:

S: Waxa la leeyahay siminaarka waxa layskugu keenayaa xubno ka kala socda baarlamaanada Somaliland, Imbagaati (Somaliya) iyo Puntland, beryahan dambena waxa jirtay shirar iyo siminaaro noocan oo kale ah oo ururada bulshada saddexdaa dhinac layskugu keenayo, idinkuna [golaha wakiilada] waad ka hadasheen marar badan arrintaas, markaa hadii baarlamaankiinii arrintaa aqbalo sidee loo arkayaa?
J: Miigane – Anagu kama qayb-gelayno arin qaabkaa u taala oo Puntland iyo Somaliya isku soo hor-fadhiisanayno, siminaar leh ajandeegana maanu hayn, sidaa inuu u qoran yahayna warka ma hayno, taas imikuun baanay noo tahay.
J: Mareexaan – Arinkaasi waa arintaanu codsanay in ajandaha naloo keeno, runtii mala-awaal iyo waxaan rasmi ahayn in wax lagu qotomiyo maaha, ajanduhu markuu na soo gaadho haddii sida la sheegayo wax Imbagaati, booshaaq iyo Puntland iyo yahay ma tagayno si rasmiyana waanu gudbinaynaa, laakiin hadii uu yahay sidiii anaga markii hore naloo sheegay oo ahayd EU-da iyo siminaar ku saabsan Capacity Building iyo aqoon-korodhsi, taas waa waxaanu aduunka oo dhan ka codsanaynay, waananu u baahannahay.

S: Yaa kale ee siminaarkaas idinkala qayb-gelaya?
J: Miigane – Anaga siminaar baa tegaysaan ayaa nala yidhi ee dhokementigaa iyo baasabooradaa geeya halkaa Akademiyada, waanu geynay, waxa kale ee aan sugaynaa waxay ahayd inaanu ajandihii helno, shirgudoonkuna Akademiyadii warqad buu u qoray rasmiya, markaa ajandaha aanu sugayno dhab ahaantii ma hayno.
S: Hadii aydaan ajandihiiba hayn, waa maxay waxan aad difaacaysaan?
J: Cali Mareexaan – Jariiradan haday wax soo heshay iyadu way sheegaysa, laakiin waxa meesha ku jirta waxa weeye wax nalaga joojiyey oo aanu anagu u dusaynay baa wargeyska lagu soo qoray, mid kale ayaa jirta nin mudane ah oo aad u ololaynayay oo doonayay inuu tago markii hore oo mudane Maxamed Barkhad Miigane ku yidhi meesha ii daa, ayuun baa markii dambena ku soo dhex dhacay uun oo waxan kharibay. Markaa ama isaga ha ahaato ama cid kale ha ahaato anagu waanu daba-soconaa, wax Somaliland lidi ku ahna anaga nalooga baqi maayo, anagaa meel walba daba socona oo aan ka hadhayn, anagaa naloo doortay oo bulshada ka wakiil ah.
 

Top


Wasiirka Qorsheynta Oo Xafiiskiisa Si Fool Xun Uga Dareeriyey Masuuliyiinta Hay’adda WHO Waxay Kala Hadlayeen Dawooyin Sadex
Bilood Ku Xaniban Kastamka

Hargeysa, April 16, 2006 (Haatuf) – Wasiirka Qorshaynta Axmed X. Daahir ayaa shalay gelinkii hore ka dareeriyey masuuliyiin ka tirsan hay’adda WHO oo ku soo booqday xafiiskiisa, kaas oo inta uu debada uga baxay ku dalbaday askartiisa inay ka soo saaraan xafiiska wasiirka ee wasaarada Qorshaynta.

Masuuliyiinta laga dareeriyey xafiiska oo uu ka mid ahaa Dr. Caayid Muncem oo ah madaxa xafiiska hay’adda WHO ee Somaliland iyo masuuliyiin kale oo uu weheliyey wasiirkii hore ee caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil, waxay wasiirka Qorshaynta ugu yimaadeen inay kala hadlaan daawooyin hay’adda WHO keentay oo la sheegay inay muddo saddex bilood ah ay ku xayirnaayeen kastamada Hargeysa iyo Berbera, kuwaasi oo muddadaaba halkaa ugu xayirnaa warqad cashuur dhaaf ah oo uu wasiirka Qorshayntu u qoro wasaaradda maaliyadda.

Sida uu ku soo waramay weriye ka tirsan Haatuf oo dhacdadan goob joog ka ahaa, wasiirku markii masuuliyiintaasi xafiiska ugu tageen wuxuu ku boobay Canaan iyo caga-juglayn, kaas oo ku eedeeyey inaanay hay’adoodu wax warbixino ah u soo gudbin.
Hase yeeshee, masuuliyiinta WHO waxay wasiirka u sheegeen inay warbixinaha u gudbiyaan wasaaradda caafimaadka oo ay wada shaqayn leeyihiin, balse wixii hadda ka dambeeya warbixinahaas nuqulo uga soo diri doonaan.

Intaasi markay dhamaatay ayaa wasiirka Qorshayntu si cadho leh intuu u kacay ayuu nimankii soo booqday, xafiiskii ay ugu yimaadeen uga soo baxay oo inta uu dibada istaagay, wuxuu askartii ilaalinaysay amar ku siiyey inay xafiiska ka dareeriyaan masuuliyiinta WHO. Isaga oo ku dhawaaqaya nimankani ma ogola inay ila shaqeeyaan.
Hay’adda WHO oo ah hay’adda keliya ee Qaramada Midoobay ee iyadu xafiiskeedii Nayroobi, Hargeysa u soo rartay shan sannadood ka hor, waxaana talaabadaa go’aankeeda lahaa madaxa hay’adda WHO ee Somaliland iyo Somalia Mr. Ibraahim Baytul Maal oo ah nin u dhashay dalka Liibiya, waxaana la sheegay in Baytul Maal arrinta daawooyinka xaniban inuu kala soo xidhiidhay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, si loo fasaxo daawadaasi, taas oo la sheegay in madaxweynuhu kala hadlay wasiirka Qorshaynta.

Waxa kale oo wararku sheegayaan in hay’adda WHO daawooyinkii tallaalka Caruurta ee wakhtiyadii hore ay ka soo dejin jirtay Hargeysa ay hadda u wareejisay Garoowe ka dib markii ay carqalado badan kala kulantay dhinaca fasaxa cashuur dhaafka, taas oo ay gacanta ku hayso wasaaradda Qorshayntu.
 

Top


Golahayagii La Soo Doortay Waxa Garbo Duub U Xidhay Distoorka Oo Iska Hor Iyo Daba Imanaya”Mudane Jaamac Xasan Aadan

Hargeysa, April 16, 2006 (Haatuf) – Mudane Jaamac Xasan Aadan oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku baaqay in la qabyo-tiro distoorka qaranka oo uu sheegay in qodobadiisu ay iska hor iyo daba imanayaan, isla markaana golahooda la soo doortay waxqabadkooda uu caqabad ku yahay distoorku, Waxaanu sheegay hadaan distoorka la sixin in qaranka Somaliland ku burburi karo.

Sidaana waxa uu Xildhibaanku ku sheegay xog-waran gaar ah oo uu shalay siiyey wargeyska Haatuf, hadalkiisana waxa uu ku bilaabay “Waxaan maanta baaq u soo jeedinayaa madaxweynaha, golayaasha qaranka, shacabka Somaliland ee gudaha dalka iyo dibadiisa ku kala dhaqan, kaas oo ku jihaysan distoorka qaranka oo ay ku jiraan qodobo badan oo caqabad ku ah geedi socodka dimuqraadiyada qaranka iyo rabitaanka shacabka Somaliland, taas oo u baahan sixid iyo qabyo-tir lagu sameeyo waxyaabaha iska-hor-imanaya ee distoorka ku jira, hadaan qalooca laga saarina ay adag-tahay inuu qaranku sii jiro.

Waxaynu qaadanay nidaamka xisbiyada badan oo xisbigii aqlabiyada codadka shacabka helaa uu isagu dalka xukumo oo uu dawlada saamayn ku yeesho, arinkaana waynu ku dhaqanay oo saddexdii doorasho ee dalka ka dhacay ee doorashooyinkii golaha degaanka, madaxtooyada iyo wakiilada saddex xisbi ayaa loogu tartamay. Hase yeeshee waxa meesha ka maqan xisbiga guulaystaa awoodaha uu leeyahay. Wax alaale wax awooda ah oo axsaabta distoorka ugu jirtaa ma jirto, tusaale ahaan, xisbiga UCID hadii uu ku guulaysto 82-ka kursi ee uu ka kooban yahay golaha wakiiladu oo ay dadweynuhu codkooda ku doortaan wax awood ah oo uu dalka ku dhisayaa ma jiro, taas oo ka hor-imanaysa codkii umada iyo hanaankii dimuqraadiyada. Markaa waxa muhiim ah inay xisbiyadu awoodo ku yeeshaan distoorka, suurta-galna maaha in xisbigii guulaystay uu xukumo xisbigii laga adkaaday.

Dawladu waxay ka kooban tahay saddex dha-dhaar oo kala ah Waaxda Garsoorka, Waaxda Fulinta iyo Xeer-dejinta, saddexdaa dha-dhaar waaxda garsoorku waa mid fadhiid ah, ama waxaabay noqotay waax ka tirsan waaxda fulinta (xukuumada), waajibkeediina ma qabsato oo waa hawl-gab, taasna waxaa markhaati cad u ah xilkii ay lahayd oo maalin kasta laysku qabsado, natiijana lagama gaadho. Waxaanu ku doodaynaa anagoo koox mudanayaal ah in afartii miisaaniyadood ee ugu dambeeyey ee golaha wakiiladu ansixiyeen ay ahaayeen qayrul-distoori, maadaama aanay xukuumadu miisaaniyad kaliya aanay soo raacin xisaab-xidhkii sanadkii ka horeeyey. Waa distoorkii oo lagu tuntay, waana arin distoor jabin ah oo ay ku talaabsadeen xukuumada iyo wakiiladu. Waaxdii garsoorka ee odhan lahayd codkaa loo qaaday miisaaniyadu waa distoor jabin ama waa distoorina ma jirto oo meesha way ka maqan tahay. Sidii arintii doorashada madaxtooyada ee laysku qabsaday 80-ka cod miyaanay cadaalad darro ahayn garsoorkii kala saarayay labadooda inuu midkood magacaabo. Sidaas darteed waxa muhiim ah in la dhiso garsoor madax-banaan oo ka adag cid kasta oo distoorka jabisa iyo sharciga dadka. Tusaale ahaan marwadii sida sharciga ahayd shaqada uga heshay hay’ada Care ayaanaan wax u qaban karayn, go’aankii golaha wakiilada ka soo baxayna waxaa lagu sheegay mid aanu xilkii xukuumada ku qabsanay, golahayagii wakiilada ee umadu soo dooratayna distoorkii qaranka ayaa garba-duub u xidhay.
Marka aad eegto awoodaha golaha wakiilada ee distoorka ku yaala ma aha gole u adeegi kara umadii soo dooratay, balse ah gole loo adeegsanayo oo aan lahayn awoodii uu xuquuqda umada ku difaaci lahaa, isla markaana dulmiga iyo xad-gudubka lagu samaynayo aanu ka horjoogsan karin.
Arimaha ay xukuumadu soo fuliso ee shuruuc iyo cashuur ah ee aanu diidno ama celin ee aanu aragno xad-gudub, sida heshiiskii shirkada Total, awood aanu kaga hortagno oo sharciyad ahi ma dhisna. Waa kii seedigay Ismaaciil Yare yidhi hadii si kasta ay mucaaridku nooga helaan aqlabiyada doorashada baarlamaanka wax awood ah ma yeelanayaan oo mushaharka uun baanu siin doonaa.
Hadaan baarlamaanka Imbagaati galo waa dembi cad oo khiyaamo qaran ah, hadii dembigaas igu cadaadana maxkamadii go’aanka soo saari lahayd ma jirto, hadii goluhu cod xisaanada lagaga qaadayo uu qaado oo ay 60 mudane fadhigaasi goob-joog yihiin 54 mudane haday xisaanada iga qaadaan, lixna diidaan golihii waan ku jirayaa, taas oo macnaheedu yahay in goluhuba dambigii aan galay igala baxsaday, 55 mudane uun baa xisaanada iga qaadi kara, dembi kasta oo aan galo, hadii uu madaxweyne Rayaale maanta ku dhawaaqo Somaliland waan ka noqday oo Federal baanu qaadanay sidii C/raxmaan Tuur oo kale waa khiyaamo qaran, laakiinse waxay taasi ku xidhan tahay golaha wakiilada hadii uu ka helo tiro dhan 42 mudane oo golaha guurtidana ay fadhiyaan 60 mudane, hadii lix mudane ay ka aamusaan ama diidaan waxa soconaya tiisii, halkaa waxaad ka fahmaysaa in qodobada distoorku ay iska hor-imanayaan, ama badheedhba loo jiidhayo qodobkii ahaa wixii distoorka ka hor-imanaya cod looma qaadi karo ayaa dhinacna ka banaynaya in cod loo qaadi karo.
Waxaan soo jeedinayaa oo aan ku talinayaa in si wada jir ah ay saddexda gole qaran wax uga qabtaan khaladaadka distoorka ku jira oo uu weliba madaxweyne Rayaale kaalin geesinimo ah uu ka qaato sidii wax ka bedel iyo sixitaan loogu samayn lahaa distoorka. Hadaan si deg-deg ah wax looga qaban qabyada distoorkana waxaa dhici karta in qaranka Somaliland inaga burburaba. Waxaanan leeyahay milil dushii lama dheyo, waana in arintaas laga sameeyo dood cilmiyeedyo. Waxaana muhiim ah in ka hor inta aan la gaadhin doorashooyinka golaha degaanka iyo guurtida in distoorka sixitaan iyo qabyo-tir lagu sameyo, waxaana lama huraan ah in distoorka laga dhigo distoor umadu leedahay oo u adeegaya”. Isaga oo xildhibaanku intaa ku daray in golaha wakiiladu hadaan arimahaa la samayn aanay waxba dhaami doonin golihii ka horeeyey.”

 

Top


Burco: Qaar Ka Mida Ganacsatada Suuqa Sheekh Bashiir Oo Cabasho Ka Muujiyay Mashruuc Sariibadda Dib Loogu Habaynayo

 
Burco, April, 16 2006 (Haatuf) Qaar Ka mid ah Dadka ka ganacsada Suuqa Sariimada weyn ee Sheekh Bashiir ayaa Cabasho ka muujiyay Mashruuc Dib loogu habaynayo Sariibadda Dhexe oo ay Dawladda Hoose ee Burco wado waxayna soo saareen qoraal ay arintaasi kaga cabanayaan kaas oo u qornaa sidan:
“Waxa aad moodaa arrimaha nabadgelyo xumo ee badanaa dalka ka dhaca in ay kow ka yihiin arimaha dhulku waxaanaynu tusaale u soo qaadan karnaa arintii dhowaan ka dhacday Hargaysa ee keentay khasaare badan , hadaba waxa jira in la leeyahay in Maayarka Burco uu doonayo in u dumiyo Sariibadda hilibka iyo Nawaaxigeeda taas oo noqotay arin Aad noogu cuntami wayday hadaanu nahay Ganacsatada ka ganacsata Suuqa Sariibadda ee Sheekh Bashiir, iyada oo dawlada Hoose iyo Hay’adda UN Habitat Sariibadda lagu duminayo arinta oo aanu u aragno in ay ka Haboonayd In Magaalada Baladhatay ee loogu sameeyo laba sariibadood Galbeedka oo aan saribad lahayn mid laga dhigo iyo Mid loo sameeyo dadka laamiga xidhay.
waxa kale oo jira hangarkii magaalada oo dayacan cidina aanay ku Ceeshin oo u baahan in laga fa’iidaysto waxa Fiicnayd halka iminka la doonayo in laga dumiyo meel dhisan in melaha wax qabadka u baahan laga fuliyo, Somalidu waxa ay ku maah-maahdaa Midho gunti ku jira looma Qubo Midho Geed saaran waayo ileyn waa qabyoobi karayaa Mashruucuye, hadaba hadaanu nahay ganacsatada Suuqa Sheekh Bashiir Burco markaanu aragnay sida ay dawladda Hoose iyada oo aan waxba naga weydiin arrinta oo aan nalaga tashan Isaga wadato markaanu aragnay sida loo wado diwaan gelinta oo uu maayarku Noo soo diray Nin Shiciba waxaanu leenahay dumin Dhul lagu doonayo Dooni mayno taasina waxa ay dhalin kartaa kacdoon, hadaba waxa aanu maamulka dawlada Dhexe la socodsiinaynaa in Maayarka iyo Hay’adda UN Habitat arinta si fiican uga fiirsadaan Haddii kale Khasaareheeda waxa Dusha ku qaadan doona Mayirka.
Dhinaca Kale Maayarka Burco Maxamuud Axmed Xasan (Maxamuud Dheglaab ) oo aanu arinta Cabashada Dadka wax kawaydiinay ayaa sheegay in aanay Jirin Sariibad la Duminayo iyo Dhul la Boobayo toona , Balse ay Doonayaan in ay sariibada dib u habayn ku sameeyaan, waxaana uu yidhi isaga oo arinta sharaxaya waxa jira Mashaariic ay Bulshada Dani ugu jirto oo loo baahan yahay in ay Bulshadu Si ay uga Faa'iidaysato ay soo dhowayso , waxaa jira Mashariic Qaarkood gacanta lagu hayo oo ay Wado Hay'adda Un Habitat waxaana Kamida Saribada Weyn ee Shiikh Bashiir Inji oo Suuq Ganacsi laga Samaynayo, iyo Tangiyada Biyaha ee Magaalada Saribadan weyn 75% waxa Bixinaya Habitat 25% waxa laga Donaya inaga,Mayirku Isga oo Ka Jawabaya Su'aal hayd arinta ay dadku ka Cabanayan ,waxa u yidhi arintani maha wax Qarsodiya ee waa wax anu dadka u bandhignay oo aan Qaybaha Bulshada Kala Shiiray Marki Danbena aanu Nidhi Gudi Iska soo Dorta waxa anu hada sugaynana waa gudida wax Cadalad daro ah oo anu ku kacnay ma jiran Dadka marka hore waanu tiro koobaynaa” ayuu Hadalkiisa Ku soo xidhay Maayarku.


 

Top


Maayarka Sheekh Oo Ka Dayriyey Macaluul Ba’an Oo Ka Jirta Meelo Ka Mida Degaanada Bariga Iyo Galbeedka Degmadaasi

Sheekh, April 16, 2006 (Haatuf) Gudoomiyaha golaha degaanka degmada Sheekh Ibraahim C/laahi Cabsiiye ayaa ka dayriyey xaalada nololeed ee dadka iyo xoolaha ku dhaqan meelo kamida degaanada bariga iyo galbeedka degmada kuwaasoo uu sheegay inay si laxaadle u saamaysey dhibaatada abaaruhu. gudoomiyuhu gudoomiyaha oo arinta uga waramaya weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil Axmed A. Dheere oo kula kulmay magaalada Sheekh ee xarunta degmada sheekh waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Deegaanada bariga iyo galbeedka degmada Sheekh ayaa abaar ba’ani kajirtaa taasoo sababtey biyo iyo baad la’aan iyo weliba xanuuno gaar ahaan dadka meelaha qaar ku dhacay oo aanu filayno inay keenayso xanuunadaa nafaqo daro ku timi dadka kadib markay gabeen xoolihii ay manaafacaad san jireen oo ay liciifiyeen abaarta iyo biya la’aanta oo ay u weheliyaan iyagoo sida aynu wada garan kareyno marka xiligan kaliisha uu meelaha qaar roobku ka da’o waxay xooluhu ka kacaamaan xaabkii ay hore ucunayeen oo waxay niyeeyaan dooga roobka kadibna waxa hoos udhaca miisaankooda iyo canahooda hadaba degaanadaa oo ay sanadahan danbe roobabku kuyaraayeen ayaa abaartanina biya laanta kasokow waxay dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee kunoolaa degaamada toolooyinka gugux, gidhays Cagaarey, Ximan, Suuqsade Galooley Girni Go’da yar Go’da weyn iyo oo dhamaantood kamida degaanada bari iyo galbeed ee degmada sheekh sababtey macaluul ba’an oo ay qarka usaaran yihiin bakhti meelaha qarkoodna waxaa ku dhintay dad waaweyn iyo yaryarba leh kadib markay nafaqo daro darteed u nuglaadeen xanuuno uu kamidyahey shubanku dhibaatada abaarta oo ah mid aad u baahsan waayo degaanka degmada ayaa ah mid balaadhan anaguna maamul degmo ahaan mawoodno sabab dhaqaale awgeed waxaan ka ahayn kawerhelista oo iyada qudheedu adag marka laga eego dhinacyada isgaadhsiinta iyo gaadiidka iyo weliba jidadka oo aan meelo badani lahayn sidaa daraadeed waxaanu qaylo dhaanta iyo ceelalyadaba isu dhaafinaa gobolka oo runtii wax badan kaqabtay gaar ahaan biyo gaadhsiinta taasoo hada tuulooyinka bariga degmada la waraabiyey dhinaca galbeedkana ilaa berito lagaadhsiin doono runtiina dhibaatada abaarta gobolka kajitaa way ka mug wayntahay wax gobolku wax ka qaban karo markaa waxa loo baahan yahay gurmad qaran iyo hadaan ilaahay dhakhso inooga jebin " gudoomiyuhu wuxuu intaa ku daray in meelaha qaar la gaadhsiiyey daawooyin balse ay weli taagan tahay arinta cunto la’aanta taasoo uu xusay in dadka jiidahaas ku nooli halis u yihiin macaluul taasoo uu sheegay inay hore ugaadhsiiyeen qayla dhaanta maamulka gobolka saaxil balse aanay ilaa hada jirin wax gurmada oo loo fidiyey dadkaas "inkastoo dadkaa abaartu waxyeelaysay lagaadhsiiyey daawo iyo biyaba hadana waxa weli taagan oo meel halisna maraysa macaluul ba’an oo haysa dadka gaar ahaan kuwa xoola dhaqatada ah oo iyagu kawaayey xoolahoodii wax ay ku noolaadaan sidaa daraadeed waxaanu ugu baaqaynaa dawlada iyo cidkastoo gacan ka gaysan karta in dadkaa lala soo gaadho raashin iyo daawaba si loo bad baadiyo kumanaan kamida bulshada degmada sheekh kuwaasoo ay abaartu si-laxaadle u saamaysay” ayuu yidhi gudooomiyaha degmada sheekh.

Kuma koobna waxyeelada abaartu demada sheekh laakiin waxay ka jirtaa boqolkiiba sideetan degaanada gobolka saaxil taasoo laga dareemayo xarunta gobolka oo maalmahan ay culaysiyeen ceelalyada kasoo gelaysa miyiyada debeda ka ah xarunta goblka saaxil ee Berbera.

 

Top


Wararkii Soomaaliya

Geeddi Oo U Fasaxay Maraykanka Inuu Badaha
Soomaliya Ka Ugaadhsado Budhcad-Badeeda

Baydhabo April 16, 2006 (Haatuf) Ra'iisalwasaaraha dowladda federaalka Somaliya Cali Max'ed Geedi ayaa sheegay in xukuumadiisu ay heshiis lagu baacsanayo budhcad badeeda Somalida ay la gashay dowladda Mareykanka, isagoo dhinaca kale rajo ka muujiyay in la qaado xayiraada hubka ee saaran Somalia.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Canjeex Ra'iisalwasaare Geedi oo war bixin siinayay qaar ka mida xubnaha golihiisa wasiirada ayaa waxa uu sheegay in dowladaha Somalia iyo Mareykanku ay heshiisyo ku gaadheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulamo uu la yeeshay Saraakiil Mareykan ah oo uu ka mid yahay safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Nairobi Wilian Belemy ayay ka wada hadleen arimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay sidii dowladda FS loo siin lahaa taakuleyn dhaqaale iyo mid diblomaadsiyadeed intaba.
Waxa uu sheegay in dowladda Mareykanku ay daneyneyso arimaha Somalia, isla markaana ay u soo tafo xeydatay sidii dowladda Somalia ay wax ula qaban laheyd.
Mr. Geedi ayaa tilmaamay in xukuumadda Washington ay dalab u soo gudbisay dowladda Somalia, taasoo ah in loo ogolaado ciidamada Ameerikaanka ee jooga dalka Jabuuti in ay u soo talaabaan biyaha Somalia si ay u baacsadaan budhcad badeed bartilmaameed ka dhigatay in ay waxyeeleeyaan gaadiidka mara biyaha badda, iyadoo lagu wargaliyay Cali Geedi in ciidamadaasi Amerikanka ee jooga jabuuti ay yihiin kuwo ilaaliya biyaha Caalamka gabi ahaan.
Cali Geedi ayaa sheegay in balamo ay ka heystaan dowladda Mareykanka, taasoo ah in la sameeyo ciidamo ilaaliya biyaha badda Somaliya.
Waxa uu sheegay in xukuumada Somalia ay ka aqbashay codsiga dowladda Mareykanka ay u gudbisay, isla markaana ciidamada Mareykanka ay u fasaxan yihiin in ay baacsadaan budhcad badeeda ka qowleysata xeebaha Somalia.
Dhinaca kale, Ra'isalwasaare Geedi waxa uu sheegay in kulan lagaga arinsanayo in laga qaado xayiraada hubka ee saaran Somalia uu ka dhici doono magaalada Nairobi, kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen urur goboleedka IGAD, Waxa ka qeyb gali doona hay'adaha Q.M, Midowga Yurub iyo dowladda Somali, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay sidii loo qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran Somalia.
Cali Geedi oo safarro kala duwan ku soo maray dalal dhowr ah dhowaana dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ku baaqay in wax laga qabto arimaha heshiiska caalamiga ee dowladiisa ay hore u soo gashay.
Dhinaca kale Ra'iisalwasaaraha Somalia ayaa si cad u sheegay in sanadkan wixii ka dambeeya dowlada FS ay la wareegi doonto deeqaha waxbarasho ee Somalia la siiyo.
Waxaana uu sheegay in arinkaasi ay kala hadleen Madaxweynaha dowlada Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir oo uu sheegay in deeqaha waxbarasho ee dowladda Sudan ay siiso Somalia lagu wareejin doono dowladda FS.
Geedi ayaa waxa uu sheegay in arimo kale oo ay ka mid yihiin in tababaro la siiyo booliska Somalia iyo dhaqaale ay kala hadleen dowladda Sudan.
 

Top


Banaanbax Lagu Taageerayo Maamul Loo Sameeyey Gobolka Bay Ka Dhacay Magaalada Baydhabo

Baydhabo April14 2006 (Haatuf) Banaanbax aad u balaadhan ayaa ka dhacay fagaaraha garoonka K/cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, kaasoo lagu ayidayo maamul loo sameeyo magaalada Baydhabo, isla markaana lagaga soo horjeedo maleeshiyaadka hubka ku wata magaaladaasi.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Muqdisho Banaanbaxaas oo ay ka qeyb qaateen masuuliyiin ka tirsan DFS ayaa isu soo baxayaashu waxa ay socod dheer ku soo mareen wadooyinka magaalada Baydhabo, iyagoo ku muujiyay dareenkooda nabad waarta oo ka dhalata magaalada Baydhabo. waxay ka soo bilaabeen Hutel wadan ilaa garoonka kubada cagta lagu cayaaro ee Ayuub
Dibadbaxayaashan oo ka kala yimid 4ta xaaxafadood ee magaalada Baydhabo ayaa isugu jirey aqoonyahano, waxgarad, odayaal, dhalinyaro, haween iyo dadkale.
Gudoomiyaha Baarlamaanka FS Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra'iisalwasaaraha Somalia Prof. Geedi ayaa khudbado u jeediyay dibadbaxayaasha, iyagoo ugu baaqay nabad waarta oo ka dhalata dalka Somalia, gaar ahaan nabad lagu soo dabaalo magaalada Baydhabo oo fadhiisin u ah DFS, waxaanay sheegeen in ay ka shaqeyn doonaan sidii amni loogu soo dabaali lahaa magaaladaasi.
Ra'isalwasaaraha Somalia Prof. Geedi ayaa u sheegay dibadbaxayaasha in ay muhiim tahay maamul dimuquraadi lagu soo doortay oo ay dhistaan dadka deegaanka, kaasi oo bilow u noqon doona maamulada kale ee laga hirgalin doono gobolada dalka Somalia.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu khudbadiisa ku jeediyay Afka Maayga ayaa u sheegay dibadbaxayaasha muhiimadda uu leeyahay maamul iyo nabad lagu soo dabaalo gobolka Baay oo fadhiisin u ah Baarlamaanka iyo xukuumadda Somalia in ay horseedi karto xasilooni lagu soo dabaalo dalka Somalia.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dheeraaday faa'iidada uu leeyahay amniga, isagoo sheegay in amni xumada ka jirta gobolka hadii ay sidani ku sii socoto ay caqabad ku noqon karto geediga nabada Somalia gaar ahaan magaalada Baydhabo oo fadhiisin u ah DFS
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa dhinaca kale khudbadiisa ku soo qaaday afduub magaalada Muqdisho loogu heysto maalintii 4-aad wiil yar oo 13 jir ah, isagoo ugu baaqay kooxaha haysta in si deg deg ah loo sii daayo.
Waxa uu sheegay in hadii aan la sii deyn wiilkaasi ay cabad ku noqon karto in ardeyda Soomaaliyeed ay waxbarashadooda sii wataan.
Banaanbaxan oo ay ka qeyb qaateen boqolaal dad ah oo ka tirsan dadka magaalada Baydhabo ayaa dhamaan mas'uuliyiintii ka hadashay waxa ay ku baaqeen nabad iyo maamul loo dhan yahay oo loo sameeyo gobolka Baay.
Dhinaca kale Gawaadhi dagaal oo lagu kala qabsaday dagaaladii kal hore ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa shalay si nabad ah lagu kala wareejiyay odayaal ka tirsan malaaqyada iyo waxgaradka beelaha Digil iyo Midhifle ee Baydhabo degan.
 

Top


Taliyihii Hore Ee Ciidanka Bileyska Oo Xalay Ku Geeriyooday Hargeysa

Hargeysa April 16, 2006 (Haatuf) Alla ha u naxariistee C/Qaadir Muuse Maxamed oo ahaan jiray taliyihii ciidanka bileyska Somaliland, haatana ahaa la taliyaha sharciga ee maayarka Caasimada ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxaana marxuumka maanta 10:00 subaxnimo lagu aasi doonaa xabaalaha Qaranka ee xaafada shacabka Hargeysa.
Inaa lilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun

 

Top


ASLI INTERNET: Cali Duul-Duul

 

Sheekaba sheekay keentaaye, waxa la yidhi beri baa Waraabe dhal ah lagu yidhi waraabow ma ogtahay in hooyadaa dhimatay, markaasuu yidhi maya ee ma ogi, laakiin waa ii dan. Markaasaa hadana lagu yidhi waar waa kugu ciyaaraynaye way nooshahay, markaasu yidhi taasina waa ii dan. Dabadeed waraabihii yaraa ayaa waxa la su’aalay maxaa labada goorba kuu dan ahaa. Markaasuu yidhi waxa ii dan ahaa haday hooyaday dhimato badhideedaan cuni lahaa oo ma khasaareen, hadii ay nooshahayna waan jiqi lahaa oo ma khasaareen. markaa marnaba ma hungoobeenoo taasaan hadalkan aad fahmi weydeen idiinku jawaabay.
Haddaba, waxaan in dhoweyd igu soo duulaysay hay’ad shaqo u diiday Marwada Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, taas oo uu aqlabiyad ku ansixiyey inuu dalka ka baxo ninkii ka madaxda ahaa dalka, hadii kale uu shaqadeedii siiyo xaajiyada. Dabadeed ayaa la tibaaxayaa inuu si qarsoodi ah u wato hawlihiisii, ka dib markii ay xukuumadu is-garab taagtay, soona saartay bayaan ay ku burinayso go’aankii golaha wakiilada, ayaa waxa hada soo baxday inuu ninkaasi sameeyey xeelad, taas oo uu iska bedelay shaadhkii hore oo uu gashaday shaadh kale oo shandada ugu jiray, taasi miyaanay u ekayn Somaliland hadii layga saarana waa ii dan oo anaa soo xiirtay baan ku soo noqonayaa, hadii lay daayana waa ii dan oo timahaygaan daysanayaa.
Haddaba, ugu dambeyn miyaanay qumanayn in qoladiinan baarlamaanka ahi inaad horta soo barataan sida timaha laysaga xiiro ama loo deysto si isfaham la’aantu u dhamaato.
Doorashada kolkay ku balameen
Qolada reer baando
Xisbiyadu kolkay kala baxeen
Booca karinaayey
Ee laysu bu’ayay ee
La isu-bixi waayey
Bidix dhexiyo iyo midig dhexe
Markii la isku baalbaalay
Koox waliba buun iyo markay
Bigil afuufaysay
Ay barooni iyo beratameen baadaye
Tiradii loo baydhay
Markii ay waraaqii bateen
Qolana soo booday
Barbarkii kala dhaar ka maray
Inay baneeyaane
Natiijadii bilaash bay
Qoreen baaxada lahayde
Badh malyuun codkoodii baxshay
Bagii ku sheegeene
Kulmiyahana berigii hadaad buuga
Dib u eegto
Boqol ruux ma gaadhayn waxay
Ugu boqooleene
Barqay uga dhaqaaqeen iyadoon
Bulunbul saarnayne
Waxay maanta uga boodayaan
Boowe maan garane
Waxaan buufis laga qodi karin iyo
Ninkii beeray timihiisa
Iyagoo ka baqay bay wadaan
Sheeko baarixiye
Buubada naga joojiyey beentu
Raad malahee
Intikhaabku inuu baadil yahay
Boobna lagu xoogay
Buushba waa arkayiyo midkii
Boyga u ahaaye
Badheedh bay u wada taabaceen
Beesha reer yurube
Buuqa iyo qaylada iga dhima
Beentu raad malahe
Baab kale hadii aan cuskado
Waa bayimiyaaye
Batala deenan laaneynu naal
Bilicsan weeyaane
Macdan baa ka buuxdiyo nimcada
Tuuran baalaha’e
Ha yeeshee bulshada joogta
Waa qaar ku baadiyahe
Beri sidaan ku wada guureyno
Bilig ku dhaafayno
Wax kastaa inay baaba’aan
Yaan u bogaynaaye
Biic qaaliyo biyo mushtari
Barayoo jiitay
Ee waa beryaba lagu dalaco
Kama bukoodaane
Baadroolkii samada tegey bay
Sii budbudiyaane
Boogtiyo dhibteenaan inagu
Baawar gelinaye
Beer ma naxe dilaalaan uu naal
Meel bacoodiya’e
Bilis iyo nin weyn iyo caruur
Odayga boosaboy
Basaboor inaan qaadano
Beledada aadno
Aan meelo kale booqanaan
Beden ku haynayee
Boqolaalkii naga dhoofay baan
Baafinaa weliye
Dalkana waxay ku biiriyaan
Biil yar oo fudude
Waa waxa dadkeenii bah-dilay
Bilig weynaaye
Barbar dumar baryayay dhashiyo
Waxaan banayne
Na badbaadi eebow adaa
Boqora oo weyne
Xaga badhana qaylo ka timi
Bari guntiisiiye
Wax la yidhi budlaan weeraro
Buufisa timiye
Wax la yidhi baroonay wateen
Boobayaal culuse
Baasuke way sheegayeen laga
Badbaadayne
Inkastoo shakigu buuxyahoo
La is bidhaan eegto
Misna xaalku meel ba’an ma tegin
Laga bakhtiinayne
Buunbuunin iyo baa ku jiraa
Sii banaanadiise
Qaar barobogaandaynaya baw
La soo yidhiye
Bowbowda iga daaya yaan
Been la saacidine.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA : “Madaxda Sare Ee Qaranka Iyo Wasaarada Gaashaan-Dhigga Waxaanu Ka Codsanaynaa Inaanu Helno Musharkayagii Lanaga Musuq Maasuqay Sannad Dhan”

Anaga oo ah Ciyaartoyga xulka gobolka Sanaag ee kubbada cagta waxaanu faah-faahin ka bixinaynaa in naloo qarameeyey koox ciyaartoy ah oo lagu shaqaaleeyey ciidanka qaranka ee Saldhga 3aaad ee fadhigiisu yahay gobolka Sanaag.
Kooxdaas oo tiradoodu ka kooban tahay 13 dhalinyaro ah waxay tartanka ciyaaraha ee magaalo madaxda Ceerigaabo lagu qabto ku ciyaarnaa magaca kooxda Gaashaan kaas oo u gaar ah ciidamada qaranka . Dhalinyaradan oo ka mid ah kooxdii ku guulaystay tartanka kubbada cagta ee gobolalada Somaliland sanadkii 2004, waxaa ciidamada qaranka ay ku biireen September 2004 waqtigaas oo gobolka laga qorayayey ciidamo cusub oo lagu kordhiyey ciidamada qaranka, kuwaas oo laga soo xulay beelaha gobolka waxaa beeluhu u garteen in dhalinyaradaas ciyaartoyga ah abaal gud looga dhigo in ay u ciyaaraan ciidamada qaranka sidaas darteedna loo siiyo gunada ama mushaharka askartu qaataan mid la mid ah .
Arintaas waxay noqotay ugu horayntii mid sidii loo qorsheeyey u socota nasiib daro markii aaanu sadexdii bilood ee u horeeyey qaadanay mushaharkii ayaa nalaga jaray, sababta taasi u dhacday oo aanu dabo gal ku samaynay waxaanu ogaanay in musharkayagii uu sidiisii u socdo kana soo baxo wasaarada gaashandhiga balse ay masuuliyiinta ciidanka qaranka ee saldhigga Ceerigaabo lunsadaan oo iyagu qaataan kana dhigteen waxaa loo yaqaan Caagle. Arintaas oo masuuliyiinta wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ay mudo badan ka hadlaysay ama daba socotay ilaa hada laguma guulaysan in mushaharkayagii nala siiyo, kaas oo iminka naga maqan mudo sanad ah waxaanu mar labaad xukuumadda iyo madaxda wasaarada gaashaandhigga ka codsanaynaa in xaqayagaas loo haysto sida sharci darada ah nala siiyo .
Qodobka labaad: Qodobkan waxaanu kaga hadlaynaa dayaca iyo dayactir la’aanta haysta garoomada gobolka oo dhan gaar ahaan magaalo madaxda Ceerigaabo, muddo faro badan oo sanado ah waxaa nalagu maaweelinayey waxaa la idin dhisayaa garoonka Kubadda cagta ilaa hadda waxay noqotay mid aan waxba laga qaban, halka gobolada kale qaarkood dhawr garoon loo dhisay, sidoo kale barnaamijyada lagu horumarinayo ciyaaraha iyo dhalinyarada ma helo guud ahaan dhamaantood, arimahaasina waa kuwo aaanu kaga duwanahay gobolada kale, waxaanu codsanaynaa kolay degamaada qaarkood isku saami noqon maynee in markay shan helaan bal mid aan xagayaga ku soo tuurtaan si aanu idinka duno indhaha qatan ee idin soo eegaya. Arintan oo xukuumadda iyo hay’adaha samofalkabu jebiyeen balantoodii hore waxaanu rajaynaa in wax laga bedelo.
Magacyada dhalinyarada qoray
1. Maxamed Axmed Xaashi .
2. Cabdi Saleebaan Cileeye ..
3. Farax Maxamed Ducaale .
4. Cabdi Semed C/laahi Dhoore
5. Cumar Xuseen Dahir .
6. Cali Maxamed Xuseen .
7. Cabdi-Semed C/laahi Dhoore.

Top


Wali Ma Ragbaa Ku Fikiraya In Ay Shacbiga Ay Ka Dhigtaan Xaabo La Shito

Aniga oo tixraacaya maqaalkii ku qornaa wargeyska Haatuf cadadkiisii Arbacadii, maqaalkaasi oo rag ka tirsan beesha Maxaad Case ay ku cambaaraynayeen ama kaga cabanayeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Illaahay cimrigiisa ha raajee.
Waxaan si gaaban oo indheer-garad-nimo ah uga jawaabayaa maqaalkaasi intii ka xumaataana raali ha iga ahaato.
Ugu horayn waxaan madaxweyne Rayaale maqaalkaasi ka siiyey xaal iyo raali gelin ee naga gudoon hadaanu nahay beesha Maxaad-Case.
Beesha Maxaad-Case waa kuwii ku doortay 93% illaa maantana ku taageersan oo cidina kaaga sheekayn mayso.
Walaalahayga qoray maqaalka waxaan ku leeyahay:
Wali mawaxaad hoos fadhidaan 1991-kii mise sheekadii mirqaanka Qaadkay ahayd.
Bal waxaad isweydiisaan yaa shaqo u doontay iska dhaaf Booramee Burco oo loogu diiday waxaad tahay Maxaad-Case.
Ha noqonina kuwa jabiya laf dhabarta tolka iyo Somaliland-ba.
Dadweynaha Somaliland iyo beelahana waxaan ku leeyahay:
Iska eega in aad noqotaan xaabo la shito oo in yari ku danaysato.
Beesha Maxaad-Case waxa dawladda ugu jira rag safka hore fadhiya waxayna leeyihiin gole odayaal ah oo talada u haya iyo indheer garad ku hawlan sidii Somaliland u heli lahayd aayaheeda oo ku baahsan gudaha iyo debedaba.
Maahmaah ( ninka dadka yaqaan waa nin rag ah laakiin waxa ka raganimo badan ninka naftiisa yaqaan) cayda iyo ceebtuna reeban.
Gabagabo: waxa loo halgamayaa waa dawlad-nimo ee maaha shaqo ayaa la ii diiday.
Axmed Aadan Samaale (Carab) oo ka tirsan wax-garadka beesha Maxaad-Case guul doona u ah jamhuuriyadda Somaliland.
 

Top


Maxay Qabtaan Ururka Waayo-Arag?

Ururka waayo arag waxa uu qofkasta oo bahda ciyaaraha ka mid ah ahiba is weydiinayaa inay yihiin urur ay ku bahoobeen odayaal waaweyn oo khibrad u leh kubadda cagta oo khabiiro ah dhinaca kale waxa maskaxda dhalinyarada sportiga ku soo dhacaysa inay waayo arag tahay urur u taagan kobcinta iyo dhiiri galinta ciyaaraha iyo dhalinyarada gaar ahaan kubada cagta hadaba taasi matahay wax run ah waxa aynu ku falan qayn doonaa qormadan.
Hadaba waxa iswaydiin leh shaqadoodu waxa ay tahay iyo waxa ay u qabtaan dhalinyarada ciyaaraha ku mashquulsan ugu horayn markaad dhinac ka eegto waa urur isku xilqaamay inay horumariyaan ciyaaraha fikradaha ay dheeryihiina dadka ciyaaraha jecel ku kordhiyaan iyada oo hadana aanay cidi wax ku siin. laakiinse waxa iswaydiin leh sida ay dadku moodayaan ma tahay taasi waa maya ee waa urur shaqo cidkale leedahay haya taasina waxa cadayanaya isaga oo shaqadii uu lahaa xidhiidhka kubada cagtu gacmaha kula jira tusaale ahaan hadii tartan la qabanayo ama kooxaha wax la ogayasiinayo waxa ay ku xusan yihiin magacooda sida iayadoo la yidhaa Og ururka waayo arag taas oo ah khalad badheedh ah.
tusaale kale hadii ciyaaryahan laganaaxayo iyaga ayaa lagala tashadaa oo dacwadiisa qaada halkii ay ahayd in gudida anshaxa ee xidhiidhku ka fadhiisto.
tusaale saddexaad hadii kooxi khalad samayso iyaga ayaa u taga shirkada ay u ciyaaran oo waliba taagitaankoodu waxa u dhimayo kooxda iyaga oo odhanaya waa koxda ugu akhlaaqda xun siday hore ugu sameeyeen kooxda Hargeisa Spring Water halkaasna waxa ka cad inuu ururkani yahay mid aad u dheeraynaya oo shaqo aanu lahayn gacmaha kula jira taasi waliba waxa dheer iyaga oo sabab u ahaa ridi taankii gudoomiyihii hore ee xidhiidhka kubada cagata isagoo diiday fikradoodaasi ama uu u yeelo sida ay jecel yihiin gudoomiyahaasoo ahaa nin aad u firfircoon balse waxa looga soo dhacay dhinaca wasiirka isaga oo wasiirkuna aaminsan waayo arag inay yihiin kuwo uu la tashado oo kala taliya sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha taasina waxa sabab u ah wasiirka oo aan ahayn nin ay shaqadiisu tahay ciyaaraha balse ah nin banker ah isaga oo ah wasiirkii ugu firfir coonaa ee soomara wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha waa markaan fikradayda ka hadlo.
hadaba wasiirka waxaan leeyahay hadii aad u baahan tahay la taliye ciyaaraha ah waxa kaaga filan Sacad Maxamed Shire ama rag kale oo aan ururna ku jirin ta labaad gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta C/rashiid Caydiid Yaasiin waa nin firfircoon oo jecel ciyaaraha fad lan waxaan ku gula talinayaa inuu u madax banaanado shaqadiisa waxa kale oo aan halkan talo ugu soo jeedinayaa xubno ka tirsan waayo arag hadana maamule kooxeed ah iyaga oo dadkan u sheegay inay yihiin urur wax u qabanaya ciyaaraha ceebta ugu badana ee uruka waaya arag ay dadwaynuhu kula yaaban yihiin wax kamida iyaga oo kooxaha yaryar ee ka dhisan magaalada ee sookoraya ka kaxaysta ciyaartoyga ugu wanaagsan ee soo koraya kooxduna isku halayanayso taasoo kalifta inay kooxihii yaryaraa ee soo korayay baaba’aan oo lawaayo kooxo soobaxa waxa arintaas samaynaya waa waayo arag waxa ay u samayanayaana waxa ugu badan ciidanka qaranka kooxda uu leeyahay oo ay isleeyihiin ha dhisnaato taas oo ay dadka ciyaaraha u dhuun daloola ku tilmaamaan arin aan qaban dhalinyarada waxa kale oo ay ku yidhaahdaan mustaqbalkaagu waxa uu ku jiraa kooxda gaashaan bal hadaba iswaydiintu ma waxay tahay inay wax dhisaan mise inay wax bur buriyaan taas waxaaan u dayanayaa bahda ciyaaraha.
takale waxaan kula talinayaa ururka waayo arag inay faraha kala baxaan shaqada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee ay u hayaan xidhiidhka kubada cagta.
Axmed Jaamac Saalax
Former Hargeisa Sprin Water Cabtain


 

Top