Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1091 Apr. 23,2006

Madaxweyne Rayaale Oo Bilaabay Olole Uu Ku
Wiiqayo Cududda Golaha Wakiilada

“Xukuumadda Rayaale Haddii Ay Jawaab Degdeg
Ah Ka Bixin Waydo Hadalka Wasiir Ku-Xigeenka

“Wax Xidhiidh Ahi Nagama Dhexeeyo Muqdisho. Mana Jiro Nin Ila Hadlay Iyo Nin Dhegta Wax Ii Saaray Toona”

“Saleebaan Waxaad Moodaa Inuu Golaha Wakiilada Caashaqsan Yahay, Guurtidana Uu Ka Han-Weyn Yahay”
Shir Jaraa’id – Axmed Muuse Obsiiye, Mudane Guurtida ah

Xaaladda Saylac: Ma Loo Qaadan Karaa Tallaabo
Maamulka Dawladdu Kula Dagaalamayo Awoodda

UDUB Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Warsaxaafadeed
Ay Wada Jir U Soo Saareen KULMIYE Iyo UCID

Shan Dumar Ah Oo Uu Dhaawacay Nin Waalan Oo Ay Dawladda Hoose Ku Dirtay

Baarlamaanka Mbagathi Ee Somalia Oo Go’aamiyey In
Baydhabo Noqoto Xarunta Dawladda Cabdillaahi Yuusuf

Maxamed Dheere Oo Ku Edeeyey C/Qaasim Salaad Xasan Inuu Xidhiidh La Leeyahay Al-Qacida

Qaybtii Labaad: Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

ASLI INTERNET : Cali Duul-Duul

ODHAAHDA AKHRISTAHA:GOORMAAD KA ILBIXI ICTIRAAF IYO NABAD GALYO LAGUGU KHUUKHIYO?

Iskaashigaa Lagu Gaadhaa Dan-Guud
Xild. Xuseen Ismaaciil Yuusuf

Somaliland Inan Gumeed U Xod-Xodid Ka Weyn


Madaxweyne Rayaale Oo Bilaabay Olole Uu Ku Wiiqayo Cududda Golaha Wakiilada

Hargeysa, April, 23 2006 (Haatuf) – Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalmihii u dambeeyey bilaabay dhaqdhaqaaqyo ku waajahan golaha wakiilada, kaas oo la rumaysnyahay inay ku sal leedahay kaambayn uu ku wiiqayo tamarta golaha wakiilada, isaga oo abuuraya kooxo uu damacsanyahay inay fadqalalo iyo khilaafaad ka dhex abuuraan golaha wakiilada, iyadoo ay xukuumadda madaxweyne Rayaale geed dheer iyo geed gaabanba ay u fuushantahay sidii uu golaha wakiilada ee la soo doortay uu u noqon lahaa mid aan tamarin.

Maalin dhaweyd waxa lagu war helay sideed xubnood oo ka tirsan golaha wakiilada oo hadan lagu tilmaamay inay yihiin gudi uu soo magacaabay madaxweyne Rayaale, kuwaas oo ujeedada loo soo magacaabay lagu macneeyey inay ka dhex shaqaynayaan xukuumada iyo golaha wakiilada. Hase yeeshee waxa shir-gudoonka golaha wakiilada iyo dad badan oo kaleba la yaab ku noqtay gudiga golaha wakiilada ah ee laga soo magacaabay Madaxtooyada, waayo? Sharciyan marka la magacaabayo gudi ka tirsan golaha wakiilada waxa magacaabaya shir-gudoonka golaha wakiilada.

Gudiga golaha wakiilada ee laga soo magacaabay madaxtooyada waxa la sheegay inay sideeda xubnoodba ka soo jeedaan xisbiga UDUB iyadoo ay 82-ka xubnood ee golaha wakiiladu ka kooban yihiin ama ka soo kala jeedaan sadexda xisbi ee dalka ka jira, laakiin ay isku yihiin hal gole oo leh hal cod iyo hogaan keli ah, sida ay xukuumaduba u tahay hal gole oo leh hal cod iyo hal hogaan oo keli ah.

Markaa sida ay sheegayaan warar la isla dhexmarayo oo ka soo fufay ilo xogogaal ah 8 xubnood ee uu madaxweyne Rayaale soo magacaabay waxa la leeyahay waxay qayb ka yihiin olole hor leh oo uu madaxweyne Rayaale damacsanyahay inuu ku ekeeyo golaha wakiilada si uu u arbusho geedi socodka iyo itijaaha siyaasadeed ee golaha wakiilada, iyadaoo ay wararku intaa ku daryaan inuu madaxweyne Rayaale damacsanyahay inuu marka hore dagaalkiisa ka bilaabo sidii uu u ridi lahaa shirgudoonka golaha wakiilada. Hase yeeshee ma jiraan warar rasmi ah oo ilaahada arrimahaa ka soo baxay, islamarkaana qaar ka mid ah mudanayaasha sideeda xubnood ah ee madaxweyne Rayaale soo magacaabay oo aanu la kulanay waxna ka weydiinay arintaasi waxa ay sheegeen inaanay ka shaqayn doonin fadqalalo ay ku waxyeelaynayaan golahooda, laakiin waxa jira xubno firfircoon oo iyaga ay suurto gal tahay inay marwalba golaha ka dhexfuliyaan siyaasadaha ay xukuumadu damacsantahay, waxayna sheekooyinkani soo ifbaxeen xili aanu wanaagsanayn xidhiidhka shir-gudoonka golaha wakiilada iyo madaxweyne Rayaale, iyadoo la sheegay inay xubnaha shir-gudoonka wakiiladu si weyn uga cabanayaan xukuumadda madaxweyne Rayaale oo ay ku eedaynayaan inaanay haba yaraatee diyaar u ahayn inay fuliso xeerarka, go’aanada iyo xeerarka ka soo baxa golaha wakiilada.
 

Top


“Xukuumadda Rayaale Haddii Ay Jawaab Degdeg Ah Ka Bixin Waydo Hadalka Wasiir Ku-Xigeenka Cadaaladda Wuxuu Noqonayaa Go’aan Ay
Xukuumaddu Isku Raacsan Tahay” Shirgudoonka Golaha Wakiilada – Shir Jaraa’id

Hargeysa, April 23, 2006 (Haatuf) – Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay joojiyeen ka qayb-galka xubno ka tirsan golaha wakiiladu ay ka qayb-galayeen shir-hawleed lagu qabanayo dabayaaqada bishan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isla markaana si kulul u cambaareeyay hadalo ka soo yeedhay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Cadaaladda Somaliland, Yuusuf Ciise Tallaabo, kaas oo ay ku tilmaameen inuu deelqaaf iyo gef ku yahay shuruucda dalka u dejisan, waxaanay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka codsadeen si degdeg ah jawaab uga bixiso.

Shirgudoonka wakiiladu waxa uu sidaa ku sheegay shir-jaraa’id oo uu Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu ku wehelinayay gudoomiye ku-xigeenka 2aad, Baashe Maxamed Faarax.

Mudane Cabdicasiis Samaale, waxa uu sheegay in ujeedada shirkaas jaraa’id ay u qabteen tahay laba arrimood oo la xidhiidha arrinta shir ay Nairobi kaga qayb-gali lahaayeen saddex xubnood oo ka mid ah golaha oo lagu casuumay iyo arrinta labaad oo uu ku sifeeyay inay kaga jawaabayaan hadalo uu sheegay in wasiir ku-xigeenka cadaaladdu, Yuusuf Tallaabo uu si badheedh ah ugu gefay gudoomiye ku-xigeenka 2aad wakiilada iyo masuuliyiin kale oo qaran, hadaladaas oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen aflagaado iyo gef uu masuulku kula kacay Mudane Baashe iyo masuuliyiinta kale qaranka iyo guud ahaan beel ka tirsan beelaha Somaliland.

Hase yeeshee Mudane Cabdicasiis isagoo ka hadlaya shir-hawleedka lagu casuumay xubnaha golaha wakiilada ka tirsan, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: “Waxa jirtay in Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarinta uu ka yimid war odhanaya shir-hawleed Nairobi ah saddex Mudane iyo dad kaloo reer Somaliland ah inay tagaan ay ugu talo-galeen iyagu, arrintaasina xilli hore ayay nasoo gaadhay war ahaan uun bay iyagoon warqad noo keenin markii hore noogu yimaadeen, marka dambena warqad bay noo keeneen ay leeyihiin saddex qof oo shir-hawleed Nairobi kaga qayb-gala oo ka warama sidii aynu doorashooyinka u galnay iyo hanaanka dimuqraadi ah ee wadankeenu uu marayo u sharaxa dad u badan ururada bulshada. Go’aanka saddexda qof annagaa markaa shirgudoon ahaan gaadhnay, saddex qof baanu magacownay oo 3-da xisbi ka kala tirsan, laakiin waxaanu ka codsanay xilligaaba in ajandaha, waxyaabaha lagaga hadlayo iyo cidda ka qayb-gelaysa shir-hawleedkaas ay keenaan. Waad la socotaa beryahan dambe aad baa loo hadalhayay arrintaas, waxaanad moodaysaa warar badan oo dadku isla dhexmarayay oo la leeyahay waxa laga yaabaa inay ka soo qayb-galaan Baarlamaanada Somalia (Imbagathi iyo Puntland) dad ka socdaa. Ilaa iyo imika warka Akaademiyadda naga soo gaadhayaa may caddayn in dad Baarlamaanada Somalia ahi inay ka soo qayb-galayaan, xan noocaas ah oo meelo kala duwan ka imanaysa ayaa jirta. Shirgudoon ahaan waxaanu go’aansanay maadaama shakiba uu yimid, si aanu shakigaa uga fogaano in go’aankii aanu saddexdaa Mudane ugu diri lahayn Nairobi aanu joojino oo golaha wakiilada aanay cidi ka tegin, haddii ururada bulshadu tegayaan waa gaar, laakiin annaga gole ahaan wixii shaki ay ummadda Somaliland ka qabi karto shir ka dhici kara meel aan wadankeena ahayn oo u sawirmi kara in shirkaasi lala galay ama ay ka qayb-galeen dad kale oo Baarlamaanada Soomaalida kale ka mid ah inagu reer Somaliland ahaan inaynaan ka qayb-gelin. Ummadeenu waxay xasaas ka tahay wax allaale iyo wixii xidhiidh la leh Somalia, taana ummadda waanu la qabnaa wax allaale iyo wixii dareen noocaas keenaya inaanu ka hortagno annagay naga go’an tahay.”

Mudane Cabdicasiis Samaale, waxa kale oo uu ka hadlay arrin la xidhiidha hadalo ka soo yeedhay wasiir ku-xigeenka Cadaaladda, oo uu sheegay inuu gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha wakiilada, Baashe Maxamed Faarax iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay gudoomiyaha guddida Komishanka Doorashooyin, Axmed Cali Cadami ku eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin oo ay la shaqeeyaan Cadde Muuse iyo Cabdillaahi Yuusuf, kuna tilmaamaya inay isku beel ka soo jeedaan oo ay isku siyaasad yihiin, arrintaas oo uu Mudane Samaale ku tilmaamay mid gef ah oo caddaynteeda laga rabo Wasiir ku-xigeenka Cadaaladda, waxaanu Mudane Samaale isagoo arrintaas ka hadlayana yidhi: “Marar badan waxa ka soo duul-duula xubno sar-sare oo xukuumadda Somaliland ka tirsan warar iyo hadalo deel-qaaf iyo meel-ka-dhac ah, arrinta aanu si gaar ah maanta u tilmaamaynaa waxa weeye shirkii jaraa’id ee lagu qabtay Wasaarada Cadaaladda ee uu qabtay wasiir ku-xigeenka wasaaradaas, Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo), inuu meel ka-dhac weyn ku sameeyay dhammaanba dastuurka iyo shuruucda ummaddan reer Somaliland u taalla. Dalkeena waxaad ogtihiin inuu nidaamkii beelaha ka gudbay oo nidaam axsaab iyo dimuqraadiyad ah uu marayo, oo xilalka kala duwan ee qaranka laga hayaa qofka ka hayaa hab-qabiil kuma hayo ee hab-qaran iyo hab-xisbi ayuu ku hayaa. Deel-qaaf, xad-gudub iyo shuruucdii oo lagu tumanayo ayaanu u aragnaa shirgudoon ahaan in wasiir ku-xigeen ku hadlaya afkii xukuumaddu uu gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha wakiilada hab reer iyo hab beeleed u caayo, beel dhan oo ummadda reer Somaliland ka tirsana uu faquuqo oo uu kula kaco xad-gudub. Arrintaas waxaanu u aragnaa inay waajib ku tahay xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin inay jawaab degdeg ah ka bixiso, hadday beenin waydana go’aan xukuumadda ka soo baxay ayaanu u arkaynaa oo ay xukuumaddu dhammaanteed ku tumanayso shuruucda dalka u taalla. Ma aha markii koowaad ee khalad weyn oo ummadda dhaawacaya uu ku hadlo wasiir ka tirsan xukuumaddu, waxaanay noqotay caado iyo shay iska fudud in wasiir walba wuxuu doono iskaga hadlo, haddii uu Madaxweynuhu uu caddayn waayo oo xakamayn waayo, waxa u bannaan wasiirada iyo waxa aan u banaanayn waxa iman karta xaalad aan loo baahnayn inuu dalku galo, waanu ka digaynaa hab-dhaqanka noocaas ah ee masuul sare oo qaran qabyaalad cad oo ummad qaranka Somaliland ka tirsan loogu badheedhayo, lagu waxyeelaynayo, laguna dhaleecaynayo, waanu ka xunnahay waananu cambaaraynaynaa. Waxaananu ka sugaynaa xukuumaddu inay jawaab ka bixiso, ka aamuska ay ka aamustana waxa ay noqon doontaa inay la qabto waxa uu ku hadlay wasiir ku-xigeenka cadaaladdu.”

Intaa ka dib waxa ay weriyayaashii shirkaa jaraa’id ka qayb galay weydiiyeen shirgudoonka su’aalo la xidhiidha waxyaabaha uu ka hadlay, waxaana ka mid ahaa su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyay Mudane Cabdicasiis Samaale:

S: Waxa aad sheegteen in shirkaasi markii hore la idiinku sheegay inay ka qayb galayaan ururada bulshada rayidka ah ee Somalia, imika uu soo baxay shaki sheegaya inay ka qayb galayaan xubno ka tirsan baarlamaanada Somalia, markaa maxay ku kala duwan yihiin labadu, miyaanay wada Somalia ahayn?
J: Haa markii hore waxa la yidhi mudanayaasha Somaliland waxa ay wax bari doonaan qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka Somalia, waxaanay uga warami doonaan sidii ay u qabsoomeen doorashooyinkii Somaliland, imikana waxa soo baxay shakigaasi, haddaba si aanu shakiga uga fogaano, dadkii na soo doortayna u tixgelino, waxa aanu go’aansanay inaanu gebi ahaanba joojino, waanan joojinay.

S: Waxa la sheegay inuu madaxweynuhu warqad idiin soo qoray shir gudoon ahaan oo uu idinka codsaday inaad arrintaa iska aragtaan, ma jirtaa taasi?
J: haa way jirtaa, imikana waxa aanu go’aansanayba inaanu joojino, markaasi madaxweynahana waanu balansanahay, waananu ka wada hadli doonaa kulankayaga arrintaasi iyo arrimaha kale ee u baahan in laga wada hadlaba. Waanay jirtaa warqadaa uu madaxweynuhu noo soo qoray, waananu balansanahay.

S: Tan aad masuuliyiinta xukuumadda ku eedayseen oo mar walba aad sheegteen inay gef ku sameeyaan golaha wakiilada ee la soo doortay, horena aanay u jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday, haddii Madaxweynuhu tallaabo ka qaadi waayo, maxaa idiinka qorshaysan ee aad qaadi doontaan?
J: Tan waxaanu u aragnaa gef ummadda reer Somaliland laga galay, si gaar ahna looga galay beel beelaha Somaliland ah, waxaanu u aragnaa hadalada noocaas oo kale ahi inay dalkan gelin karayaan xaalad adag, markaa hadday badheedh ka tahay oo xukuumaddu la wada qabto wasiirka waa la ogaani, haddii aanay la qabina jawaabaa laga sugayaa.

S: Xaga sharciga, waxa la leeyahay golihii iyo Madaxweynihii ma wada shaqaynayaan oo dhinaca xukuumadda soo-dhawayn iyo kalsooni wada-shaqayneed loogama muujin, arrintaas ka waran?
J: Arrintaas dib baanu uga hadli doonaa, maanta labadaa arrimood uun baanu ka hadlaynaa.
 

Top


“Wax Xidhiidh Ahi Nagama Dhexeeyo Muqdisho. Mana Jiro Nin Ila Hadlay Iyo Nin Dhegta Wax Ii Saaray Toona”Sh. Mubaarik Diiriye X. Axmed – Wareysi

Burco, April 23, 2006 (Haatuf) - Sh. Mubaarik Diiriye X. Axmed oo ah nin wadaad ah oo lagu eedeeyey rabshad dhowaan ka dhacday magaalada Burco ayaa beeniyey waxyaalihii lagu eedeeyey, iyadoo Sh. Mubaarik la weydiiyey bal waxa uu ka ogyahay weerar maalin dhowayd lagu qaaday saldhigga dhexe ee bileyska Burco, taas oo uu jawaab ka bixiyey, wuxuuna Sh. Mubaarik arimahaa kaga hadlay wareysi uu maalintii shalay siiyey weriyaha Haatuf ee Burco Axmed Aadan Yuusuf, isaga oo jooga magaalada Burco.

Rabshadda sababtay in la weeraro saldhigga dhexe ee bileyska Burco waxa la sheegay inay ka dhacday goob uu Sh. Mubaarik muxaadaro diiniya ka jeedinayey, waxayna ahayd 12-kii April, 2006. Laakiin waraysiga uu Sh. Mubaarik arimahaa kaga hadlay wuxuu u dhacay sidan:

S: Sh: Mubaarik waxaad warbixin naga siisaa arintii jimcihii Dhowayd ka dhacday Goobtii aad Muxaadarada ka jeedinaysay?
J: Hadii aan ka waramo dhacdadii Habeenkii Jimcaha ee 12/4/2006 ka dhacday goobta wacdiga Burco waxa ka bilaabmay sawaxan iyo dhagax-tuur si lama filaana ah ku bilaabmay markii ay dacwadii dhamaan doonto ayuu nagu bilaabmay, kaas oo waxyeelo iyo dhaawac u gaystay Culimadii wacdiga wadday iyo Gaadhigii Hayadda markii aanu isnidhi dadka kala hadla Mikirifonkiina waxa laysla jiidhay waayiradii iyo sameecadihii cod-baahiyaha oo xidhiidhkoodii la jaray, wayna noo suura geli wayday inaanu dadka la hadallo, sidaa ayaanu anuguna uga dheel-manay goobtii wacdiga, waqti danbe ayaa naloo sheegay in Dumar weerareen Saldhigga Dhexe. Arintaas goobta wacdiga ka dhacday iyo weerarkii saldhigga ka dhacay midna Garan-mayno waxa sababay.

S: Waxa la sheegayaa in intii aanu Buuqu Bilaabmin in Nin Dirays Sitaa u Dhegta wax Kuu saaray, ka dibna ay Dadku taa ka Shakiyeen, Ninkaasi Muxuu ahaa ?
J: Ma jiirto Arintaasi, Nin ila hadlay iyo Nin Dhegta wax ii Saaray toona Ma Jiraan.

S: Maxaa Ka Jira hadalkii Wasiirka Arimaha Gudaha ee aaha Wadaado ayaa Burco Diin Cusub iyo Hawlo ka wada oo anu la dagalamaynaa?
J: Arintaasi waxay ahayd khalad waxaana ka jawaabtay Madaxtooyada Qaranka ee Somaliland wax allaale wax ka jiraana ma jiraan, anaguna waxaanu si buuxda ugu Qanacsanahay jawaabta Madaxtooyada.
S: Sheekh Mubaarig Taliyaha Qaybta Bilayskka Gobolku waxa uu Sheegay in Burco ay Joogaan Wadaado Hub urursanayaa, Taasi Ma jirtaa?
J: Wadaado Burco Jooga oo Hub Urursanaya Ma Joogaan oo Ma Ogin waxaana Arintaa Laf ahaanteeda ka Jawaabay Warkii Ogaal qoray ee Gudoomiyaha Gobolka Togdheer, Cabdi Xuseen Dheere, anaganu ma ogin, hadiise ay jirto isaga ayaa Amniga Ku Shaqo leh ee Bal Meesha ay Joogaan ummadda Ha Tuso.

S: Sheekh waxa Aad Nooga warantaa waxa ay Hay;addan Wanaag fariddu Qabato?
J: Hayaddani waxa ay Asaasantay Sannadkii 1992-kii, iyada oo aan waqtigaa la odhan jirin magacan hadda ee wanaag faridda iyo xumaan reebidda, Balse waqtigaa la odhan jiray Al-Janati Tawciya, waxa ay ka shaqayn jirtay wacyi gelinta dadka ee wanaag faridda iyo reebista Xumaanaha iyo la dagaalanka jahliga, iyada oo dadka lagu ururinjiray Masaajidada oo wax lagu bari jiray. Waxa kale oo gudidu ka shaqayn jireen ururinta Sakaatul Fidrida Bisha Ramaadan si loogu Quudiyo dadka Masaakiinta ah hawshii oo sidaa u socota ayaa la Qaxay qayb ka mida gobolku waxa ay degtay Yiroowe halkaas oo aanu hawsha ka sii wadnay, ka dib markii magaalada Dib loogu soo Noqday ayaa Gudidu (2000) Halkii ka sii Bilawday Hayadani waa Mid ka Madax Banaan Siyaasad , Kooxaysi iyo wax Kasta oo Dhinac ah.
Qoddobada ay ku asaasantahayna waa in dadka laga wacyi galiyo Dhamaan waxyaabaha Xunxun ee Diinteena ka Hor imanaya.

S: Sheekh Mubaarig ma Jiraa Xidhiidh idinka Dhexeeya Kooxaha Diinta ee Muqdisho Sida Sheekh Xasan Caways?
J: Maya, anagu Walaalow waxa aanu ka shaqaynaa dadka oo wanaagga la Faro Xumaantana laga Nahyiyo, dadka Jilicsana la caawiyo, muddo 16 sanno ah ayaanuna Hawshan wadnay, Arinta Muqdisho ee aynu ka Maqallay Radio-wgana waxay jirtay muddo laba Bilood ah, sidaa daraadeed waanu kala facwaynahay, Iskumana XiDhnin wax Xidhiidh ahina Nagama Dhexeeyo.

S: Hayaddiina miyey jiraan Cid Kale oo Xagga Debadda Idinka Caawisaa oo hawshiinan Gacan ka gaysataa?
J: Maya, Ma Jiraan Xidhiidho Kale iyo Cid Debedda naga Caawisaa toona.

S: Xagee baad Ka Heshaan Dhaqaalaha aad wax ku socd siisaan?
J: Sideedaba anagu waxaanu u shaqaynaa Shacabka Had iyo Jeerna waxyaabaha aanu u baahanahay ee Shidaalada oo kale waxa na siiya Dawladda Hoose, Maayaradii u kala Danbeeyay, dhaqaale kale oo aanu u baahanayna ma jiro oo hawshayadu waa wacdi, Ganacsatada Qudhooda ayaa Gacan na siiya Sida waqtiyada Ramadaanada ee Xaraanta lala Dagaalamayo .
 

Top


“Saleebaan Waxaad Moodaa Inuu Golaha Wakiilada Caashaqsan Yahay, Guurtidana Uu Ka Han-Weyn Yahay”Shir Jaraa’id – Axmed Muuse Obsiiye, Mudane Guurtida ah

Hargeysa, April 23, 2006 (Haatuf) – Gudoomiyaha Guddida Nabadgelyada iyo Difaaca ee golaha Guurtida Axmed Muuse Obsiiye ayaa sheegay in hoos-u-dhac weyni ku dhacay maqaamkii golahoodu ku lahaa taladda dalka mudadii uu hogaaminayey Saleebaan Maxamuud Aadan oo uu ku eedeeyey inuu hanjabaad iyo caga-juglayn uu kula kacay, isla markaana uu ka saaray shirkii golaha shalay.

Sidaana waxa uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xarunta Golaha Guurtida, ka dib markii uu gudoomiyaha golaha guurtidu ku amray inuu dibada uga baxo shir albaabadu u xidhnaayeen.

Md. Amed Muuse Obsiiye, isaga oo faah-faahin ka bixinaya kulanka albaabadu u xidhnaayeen iyo arrimaha uu gudoomiyaha ku eedaynayo, waxa uu yidhi “Ayaamahanba albaabadu way noo xidhnaayeen, wax siyaasad guud ahna kamaanu hadlayne, waxa laga hadlayey danaha golaha, golaha guurtidu waxa uu ahaa xiligii uu hogaaminayey gudoomiyihii hore ee geeriyooday Marxuum Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar gole sharaf leh oo maqaam sare kaga jira dalka, waxaanu ahaa nin ku ad-adkaa danaha golaha iyo magaca golaha guurtida, cidina namay odhan jirin goluhu muxuu yahay, lamana odhan jirin golaha guurtida iyo wakiiladu way kala duwan yihiin, intii uu noo yimid ninkan siyaasiga ah golaha wax badan ayaa hoos uga dhacay, halkii lanaga odhan jirey dalkaba idinkaa xukuma waxa nagu soo baxday dalkaba waxba kuma lihidin, waxaa nagu soo baxday labadii gole oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ku kala taga, waxa nagu soo baxday golihii guurtida kala qaybsanaan iyo nin jeclaysi laga dhex-sameeyey, mustaqbalkii golaha oo mugdi galay. Arrimahaas oo dhan ayaanu ka hadlaynay.
Golaha guurtida waxa la aasaasay bishii June sannadkii 88-kii, oo lagu aasaasay Cadaroosh, marxalado badan ayaanu soo marnay, ururkii SNM ayuu la soo shaqeeyey, dib-u-dhiskii qaranimada Somaliland ayuu dhidibada u soo taagay, raggayagii sharaftaa lahaa ayaa waxaanu is-aragnay anagoo meel hoose marayna, waxaanu weydiinay wadaadkan siyaasiga ah waar intii aad noo timid ee aad golaha ku soo biirtay wax weyn baa golaha ku dhacaye maxaa sababay, Saaka (Shalay) ayuu hanjabaad noola soo galay, habsankiinaan ururin doonaa, kii hadla golaha ayaan ka saari doonaa, anigaygan ayaanu igu yidhi shirka ka bax, anigoo ahaa markii gudoomiyaha loo dooranayay ninkii gudoomiyaha ka ahaa kaambaynkiisii, sababtuna waxay ahayd layligu biyaha kashkiisa ku jira ayuu ka didaa, anaguna taas uun baanu weydiinay, isaga iyo madaxtooyaduna ma wada shaqayn karaan, anaguna inuu go’doon naga dhiguu doonayaa. Ta kale waxaad moodaa inuu caashaqsan yahay golaha wakiilada, golaha guurtidana uu ka han-weyn yahay. Annagu waxaanu ku lahayn golahaagan arag, kursi banaanaadayna maad soo gelin, kursi beeli ku keentayna maad soo gelin, nin baana meesha lagaaga saaray, sharcigiisa laftiisaanan ku gefnay, markii aanu ninka kaaga saarnay, laakiin maslaxaad baanu moodaynay, in uu aqoon ahaan iyo siyaasad ahaanba golaha wax ku kordhiyaanu eegaynay oo aanu filaynay, laakiin golihii maanta taxadka ayuu tegay, cid walibana waxay na leedahay dee nin siyaasi ah ayaa idin haysta, golihii dhaqanka ee nabadgelyada iyo sidii aad ahaan jirteenba waad ka tagteene maxaa idin helay, isaguna waxa uu na leeyahay wax walba aniga ii daaya, dhaqaale ahaan marka la eego golaha wakiilada anagaa mar kasta miisaaniyada wax dheeraan jirnay, maanta wakiiladu waxay na dheer yihiin Hal Bilyan, waliba marka aan lagu darin kharashyada ay kordhiyeen, mudanayaasha golaha guurtidana ma jirto cid ka qaadi karta xuquuqdooda iyo waajibkooda, mana aqbalayaan in kali talisnimo loola yimaado”.
Intaa ka dib su’aalihii la weydiiyey waxa ka mid ahaa:

S: Ma jirtaa in golaha dhexdiisa ay xukuumadu ka wado olole aad gudoomiyihiina xilka kaga qaadaysaan, taasina ay dhalisay khilaafkiina?
J: Anigu waxaan ahaa ninkii ugu dhowdhowaa, mana ogi meel lagu gudoonsaday ha la rido, laakiinse waxa hanjabaadiisa ku jirtay rag baa madaxtooyada u gal-gala, qofkuna xaq buu u leeyahay inuu madaxtooyada galo iyo inuu mabdi’iisa cadaysto, anaguna markii uu taladayada qaadan waayey ayaanu gaar iskaga taagay ee wax kale nagama dhexayso.

S: Ma jirtaa in Khilaafka golaha guurtida ka dhex oogani uu sabab u yahay hindise xukuumadu ku doonayso inuu mudada la idiin kordhiyo, gudoomiyihiinuna uu ka soo horjeedo?
J: Anigu taas war kama hayo, marka wax la kordhinayo madaxtooyada ayaa soo dhigaysa, distoorkuna wuxuu leeyahay hadii madaxtooyadu ay maslaxad u aragto in aynaan awood u lahayn in aynu doorasho galno, markaas ayaan anaguna awood aanu ku ansixino leenahay, laakiin Saleebaan Maxamuud Aadan awoodaasi ayuu doonayaa inuu anaga naga qaado oo uu golaha wakiilada u wareejiyo, hadii ay dhacdaba, aniguse ma ogi, waanan filayaa.

S: Markii uu gudoomiyaha guurtida kugu amray in aad shirka ka baxdo, ma ogolaatay, mise waad diiday?
J: Markii hore, waxaan ku balan-qaaday in aanan ka bixin shirka oo waan diiday, balse markii uu yidhi hadaanad bixin shirka waan xidhayaa ayaan aniguna golaha xaq-dhawray oo aan ka soo baxay.
 

Top


Xaaladda Saylac: Ma Loo Qaadan Karaa Tallaabo Maamulka Dawladdu Kula Dagaalamayo Awoodda Golaha Degaanka, Maxayse Degmadaasi Kala Mid Tahay Sool Iyo Sanaag Bari?Warbixin – Maxamed Cumar – Weriyaha Haatuf ee Boorama

Boorama, April 23, 2006 (Haatuf) – Degamada Saylac, oo ah degmada ugu darifaysa woqooyiga Somaliland, waxay ka mid tahay degmooyinka qadiimiga ah ee Somaliland. Boqollaal sano ka hor ayaa way ahayd hoyga ganacsiga Geeska Afrika, balse maanta ah degmada ugu liidata guud ahaanba dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ee Somaliland ka go'day marka laga eego xagga horumarka, nolosha iyo dadkaba.

Haddaba wakhtigan oo degmadaasi ka tirsantahay dalka Somaliland, isla markaana ay hoos timaaddo maamulka gobolka Awdal, waxay ahayd degmadii uu madaxweyne Rayaale ka soo bilaabay ololihiisa dhinaca siyaasadda, isagoo ku tartamayey magaca xisbiga UDUB ee talada dalka haya. Wakhtigaa oo ahayd 2002, isla markaana aan ku sugnaa degmadaasi waxa loo soo dhaweeyey si wanaagsan, isla markaana shicibka dhulkaasi waxay xoog iyo xoolaba ku taageereen Madaxaweynaha si uu uga guuleysto musharraxiin ay u haysteen inaan dalka Somaliland cidi kula tartamin. Afar sannadood kaddib markii aan maanta degaankaasi Saylac tegay, lama odhan karo waxay ka doonayeen ama looga ballanqaaday xukuumadda Rayaale way heleen, balse dhinaca kale waxay hoos uga dhacday heerkii ay taagnayd wakhtigii xukuumaddii milateriga ahayd ee Afweyne.

Haddaba xaalada maanta ka jirta ee ku saabsan dhinacyada horumarka, nolosha iyo fidinta adeegyada kala duwan ayaa ah kaaf iyo kala dheeri. Inkastoo meel kasta oo laga hadlo degmadaasi ama laga sheekeeyaaba ay boog tahay, waxa ugu darani waxa weeye doorka xukuumaddii ay doorteen ka ciyaarayso dib-u-dhaca haysta mid ka mid ah goobaha ama degmooyinka ugu dakhliga badan leh dalka Somaliland. Dareenka shicibka degmadaasi haystaa waxa weeye sidee ayaynu u samaysan karaa maamul wax ka qabta noloshooda, arrintaasi oo ay wakiil uga yihiin xildhibaanada golaha degaanka ee degmadaasi, kana kooban 17 xubnood ayaa 15 ka mid ahi waxay ka soo baxeen xisbiga UDUB. Tallaabooyin shicibka iyo aqlabiyad ka tirsan golaha degaanka degmadaasi u doonayeen inay ku ridaan guddoomiyaha degmadaasi oo ay ku sheegeen inuu shan sano waxba u qaban waayey ayaa socon la', waxana inta badan ay u nisbaynayaan maamulka dawladda iyo maamulka gobolka Awdal.

Inkastoo aan la ogeyn waxa ka soo bixi doona iskudaygii ugu dambeeyey ee xildhibaanada golaha degaanku ku rideen 18kii bishan maayarkii Degmadaasi, Aadan C/laahi Boodhle, waxay laba jeer oo hore ay u rideenba gaashaanka ku dhuftay ama is hortaagay maamulka gobolka Awdal oo siday ii sheegeen qaar ka mid xildhibaanada degmadaasi muujiyey kala jeclaysi, eex iyo kala qaybinta golahaasi.Ninka ay xildhibaanadaasi doorteen oo la yidhaa Maxamed Cumar Xaddi (cawad) waa nin ka soo jeeda degaanka Saylac isla markaana arrimaha maamulka dawladda Hoose ee Degmadaasi ka soo shaqeyn jiray in ka badan 30 sano. Waxa uu ka tirsanyahay xisbiga UDUB ee maanta dalka xukuma, waxana uu beddeli lahaa maayar ka soo jeeda isla degaankaasi Saylac, oo la yidhaahdo Waran, kana tirsan xisbiga UDUB degmadaana xukumayey in shan sannadood ka badan. Daweynaha reer Saylac ee isha ku haya arrimahaasi ayaa qaarkood la yaabeen waxa maamulka dawladdu u kala jeclaysanayo labada xildhibaan ee isla UDUB ah, maxayse Golaha deegaanku yihiin haddii aanay fulinayn waxa shicibku doonayo. Waxay dad badani ii sheegeen in xaaladda maanta Saylac ay ku jirto aanay ku sii jiri doonin haddii maamulka dawladdu iska indho tiro waxay aqlabiyadda xildhibaanadu doonayaan, isla markaana aanay sii socon doonin adeegsiga ciidamada kala duwan ee lagu cabudhinayo dimuqraadiyaddooda.

Arrimaha ugu daran ee maanta Saylac dadkeedu ka damqanayaan ayaa ah iyadoo aan la geli karin ama laga bixi karin magaalada, ilaa la soo maro Lawyacaddo maadaama jidkii baddu goysay, adeegyadii oo aan jirin iyo dhaqaale darro dad badan ka qixisay magaalada oo aanay joogin wax ka badan 200 oo qof. Guud ahaan arrimahaasna waxay sabab uga dhigeen maamulka dawladda ee heer qaran iyo heer gobol oo isku diraya xuildhibaanadii isla markaana ka hor yimi shicibku waxay doonayaan arrimahaasi oo dhanna haddii waxba laga qaban waayana waxay dad badani u qaadan karaan in Saylac ku dhaqmin sharciga Somaliland siday sheegeen qaar ka tirsan xildhibaanada degmadaasi.

Dhinaca kale markaad eegto Degmadaasi waxay xaalado badan la wadaagtaa xaaladaha ka taagan degaanada Sool iyo Sanaag kuwaas oo ay kala mid tahay arrimo ay ka mid yihiin dalal kale oo deris la ah oo Soomaaliya taageera, Madaxda xukuumadda Somaliland oo aan tegin wakhtiga doorashada mooyee, dadyow kala duwan oo soo gala maadaama meeshu soohdin ku taallo iyo dib-u-dhaca dhinaca mashaariicda horumarinta, Marka laga reebo hay'ad la yidhaahdo NRC (Norwegian Refugee Council), oo mushahar siinaysay macallimiin la sheegay inay wax baraan dhallinyaro la sheegay inay fursad u waayeen waxbarashada tooska ah.
Isku soo wada duuboo xaaladda Saylac ee dhinaca maamulka ayaa laga yaabaa inay galaafato kalsoonidii ay ku doorteen xukuumadda Madaxweyne Rayaale, kuna kelifi karta inay dhabarka u jeediyaan marka ay yimaaddaan danaha xukuumaddu ka yeelan karto dadweynaha degmadaasi.
 

Top


UDUB Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Warsaxaafadeed Ay Wada Jir U Soo Saareen KULMIYE Iyo UCID

Hargeysa, April, 23 2006 (Haatuf) – Xisbiga UDUB ee talada dalka haya ayaa jawaab kulul ka bixiyey war-saxaafadeed ay wada jir u soo saareen labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID oo maalintii Jimcihii ku soo baxay wargeyska Haatuf kaasoo uu xisbiga UDUB ku tilmaamay mid durayey horumarka dalka iyo dadaalka xukuumadu ay ugu jirto horumarinta shacbigeeda mucaarad iyo muxaafid-ba.waxaanu sidaa xisbiga UDUB ku sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray gudoomiyaha Abaabuulka iyo Wacyi galinta ee xisbiga Udub Eng. Maxamuud Cabdi Faarax (Mallaw) isagoo intaa ku daray in labada xisbi mucaarid ay indhaha ka qarsanayaan wax qabadka xukuumada isla markaana waxa uu ugu baaqay mucaaradka in si wada jira looga wada shaqeeyo danaha qaranka.
Warsaxaafadeedka gudoomiyuhuna isagoo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:

“Warsaxaafadeeka ay soo saareen labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid ee ay ku baahiyeen wargeyska Haatuf cadadkiisii 1090 kuna taariikhaysnaa 21 April. warsaxaafadeedkaas oo aad moodo inuu durayo horumarka dalka iyo dadaalka ay xukuumadu ugu jirto shacbigeeda mucaarid iyo muxaafidba, dhaliishu way furan tahay laakiin waa inaanay noqon mid majara habaabinaysa shacbiga isla markaana bixinaysa meel aan waxba ka jirin taas oo noqonaysa inuu ku farxo cadawga Somaliland gudo iyo dibadba shacbi weynahana ku noqonaysa la yaab wararkan xaqiiqada ka fog hadaba waxa hubaal ah in xukuumada Somaliland ay hirgalisay qaab dhismeedka dimoqraadiyadeed ee maanta JSL ku dhisan tahay haday tahay doorashadii golaha deegaanka, madaxtooyada iyo tii u dambaysay ee golaha baarlamaanka oo dhammaantood ku dhamaaday guul.

Waxa xusid mudan weedhii madaxweynaha JSL mudane Daahir Rayaale Kaahin ee ahayd maanta Somaliland waxay ku iibsamaysaa doorasho waxay ahayd jawaabtii uu ka bixiyey doorashadii madaxtooyada markii lagu yidhi dib u dhig.

Xukuumada Somaliland waxay taabo gelisay ciidamo qaran oo sugi kara nabadgelyada gudo iyo dibadba waxayna barbaarisay shacbiweyne u diyaara ilaalinta nabadgelyada taasi waxay keentay in dhammaan falalkii argagixisada ahaa ee lagu khalkhal galinayey qaranka gacanta lagu dhigo waxa taas barbar socotay horumarka dhaqaalaha, dhiirigelinta maal gashiga shisheeyaha , xoojinta ganacsiga madaxa banaan iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dalka si dadka shaqo loogu abuuro sidoo kale ilaalinta xuquuqda iyo xorriyada muwaadinka HADAY TAHAY SINAANTA SHAQADA, XORIYATUL-QAWLKA iyo daryeelka xuquuqda dadka jilicdasan sida agoomaha, naafada iyo guud ahaan dhamaystirka arimaha bulshada waxay xisbiyada mucaaradku yidhaahdaan siyaasada dibada waxba lagama qaban waxaynu ognahay maanta in Somaliland sharaf iyo maqaam ku dhex leedahay bulshada caalamka iyo weliba ururada caalamiga ah sida AU, EU, iyo UN taas oo ka dhalatay safaradii ay xukuumada Somaliland ku gaalaa bixisay dunida si ay u meel mariso qadiyada Somaliland iyadoo ay mar walba ay barbar taagan yihiin jaaliyadaha Somaliland ee dalalkaasi mucaarid iyo muxaafidba.
Intaasi waxa dheer in xukuumada Somaliland hirgelisay qunsuliyado dalal badan inooga furan iyadoo aynu ku kasbanay saaxiibtinimada dalal badan oo dunida ka mida ah oo ay ugu dambaysay safarkii madaxweynuhu ku tagay dalka Yeman meela la isla soo dhigay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada wadan sida ilaalinta baddaha iyo ganacsiga xoolaha iyo kaluumaysiga waxaanu soo jeedinaynaa in saaxiibadayada xisbiyada mucaridku aanu danta qaranka si wada jira ugu adeegno gacana ku siino xukuumada wax qabadkeedana aan daah la saarin iyadoo had iyo jeer ay ina soo daashatay cambaarayn iyo dhaliilo xad dhaafa mugdina gali kara habsami u socodka siyaasada qaranka” ayuu yidhi gudoomiyaha Abaabulka iyo Wacyigelinta ee xisbiga UDUB Maxamuud Cabdi Faarax
 

Top


Shan Dumar Ah Oo Uu Dhaawacay Nin Waalan Oo Ay Dawladda Hoose Ku Dirtay

Hargeysa, April 23, 2006 (Haatuf) – Boqolaal ka mid ah Haweenka khudradlayda ee Suuqa ganacsiga ee Gobanimo ayaa shalay isu-soo bax cabasho ah ka muujiyey nin waalan oo ay D/hoose ee Hargeysi wadatay oo shan dumar ah dhaawacay, ka dib markii ciidan boolis ah oo saarnaa gaadhigaa dawlada hoose ay ku amreen inay ka guuraan meel ay khudrada ku iibinayeen.Sidaana waxa sheegay Haweenka khudradlayda ah oo iska hor-imaadkaas ka dib aanu wax ka weydiinay.

Shukri Axmed Cabdi oo ka mid ahayd haweenkii cabashada sameeyey oo faah-faahin ka bixinaysa weerarkaas D/hoose ku soo qaaday ayaa tidhi “Waxa hore naloogu yidhi guryaa la idiin dhisayaa, anaguna waanu ogolaanay, markii guryihii la dhisayna waa naloo diiday inaanu galno, weliba masuuliyiinta D/hoose way na aflagaadeeyeen oo waxay nagu yidhaahdeen taga Oromo ayaad tihiine, markii sidaasi ay nagu dhacday, banaankaasi yar ayaanu ku soo ururnay, balse waxa saaka weerar nagu soo qaaday D/hoose oo ciidan wadata, waxayna nagu yidhaahdeen maayarka ayaa na soo diray ee meesha ka guura, waxaanu ku nidhi anagu ma fadhino ee amaan na siiya, waxayse nagu dalbadeen nin waalan oo qaawan oo ay gaadhiga ku siteen, ninkiina shan dumar ah ayuu naga dhaawacay, waxa laga dagaalamaana na soo maray oo ay D/hoose noola timid”.

Faadumo Axmed Yaasiin, ayaa iyaduna tidhi “Dadkii khudradleyda ahaa waxa look ala jebiyey laba qaybood, qaarna guryaa la siiyey, intayadii danyarta ahaydna waxa la isugu soo ururiyey jiingadahaa yar-yar, anagu ma aqbali karno in mar labaad ay D/hoose lacag nagu khiyaamayso, hadii cidi dhisanaysana anaga ayaa dhisanayna oo D/hoose ma aaminayno, waxaanu leenahay waanu ciilannahay, hadii weerarkaasi ay D/hoose iyo maayarku naga dayn waayaana waxa ka dhici doonta dhacdadii Injidii Dumbuluq ka dhacday mid ka daran”.

Ardo Cumar ayaa iyaduna tidhi (D/hoose hore ayay noo khiyaamaysay oo ay lacag nooga qaadatay, anaga oo ka samirnay lacagtayadii ayay hadana D/hoose noola timid inay cagaf iyo nin waalan noo soo kaxaysato, D/hoose haday wadanka naga saarayso bambaane ha nagu qaraacdo, laakiinse maaha inay noo soo kaxaysato ciidan iyo nin waalan”.

Sahra Saleebaan ayaa iyana tidhi “Waxa noo yimid gaadhi xaajiyad ah oo D/hoose leedahay oo Makara-foon saaran yahay oo ay saaran yihiin ciidan iyo nin waalan, waxay nagu yidhaahdeen guura, markii aanu diidnayna waxay nagu direen ninkii waalnaa oo ay xaajiyada ku siteen, ninkii waalnaana wuu na laayey oo shan dumar ah ayuu naga dhaacay”. Iyada oo intaa ku dartay inay cabashadooda u gudbin doonaan saddexda gole qaran.
 

Top


Baarlamaanka Mbagathi Ee Somalia Oo Go’aamiyey In Baydhabo Noqoto Xarunta Dawladda Cabdillaahi Yuusuf

Baydhabo, April, 23 2006 (Haatuf) – Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulan ku yeeshay xaruntiisa Baydhabo Sida uu ku soo waramay weroyaha Haatuf ee Baydhaba Yaasiin Maxamed Kulankan oo ahaa mid aad u xamaasadaysan oo si wayn loo dhawrayay natiijadiisa ayaa waxa uu furmay 11-kii-subaxnimo, wakhtiga Baydhabo, waxaana shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo uu weheliyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka-Maxamed Cumar Dalxa iyadoo Cismaan Cilmi Boqorre-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka uu ku maqanyahay safar uu ku tegay wadanka Jabuutii oo uu aabihii dhowan ku geeriyooday.Ka dib markii aayado Qur'aanka Kariimka ah lagu furay ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan furitaankii fadhiga Baarlamaanka wuxuu ka hor akhriyay mudanayaasha goobjooga ka ahaa fadhiga oo tiradoodu ahayd boqol iyo sideetan iyo sadex (183).

Intaa ka dib ayuu gudoomyahu u sheegay in uu u yaalo laba ajande kaas oo ah kahore dawlada oo soo gudbisay sharcigii federaalka kaas oo gudoomyuhu uu sheegay in ay ku wareejinayaan gudidii fadaralka oo todoba cisho soo akhriyaysa kadibna baarlamaanka la hor keeni doono intaa ka dib ayaa qodobkii labaad uu noqday mooshin (soo jeedin) ay soo gudbiyeen 81 Xildhibaan oo ku saabsan magaalada xarunta u noqonaysa dawlada federaalka inta caasimada Muqdisho laga xasilinayo. Sida uu dhigayo xeer-hoosaadka Baarlamaanka federaalka waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka u soo jeediyay xildhibaanada in dood loo furo mawduucan iyo in cod loo qaado, waxayna dhammaan xildhibaanada haadiyeen gacmaha iyagoo dalbanaya in aan dood loo baahnayn ee cod la qaado.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka dibna wuxuu ku wargeliyay xildhibaanada in cod gacan-taag ah (show of hand) loo qaado soo jeedinta. Markii la qaaday codaynta ayaa si aad ah loo hubiyay oo dhowr jeer lagu celceliyay tirada si looga hortago in ay dhacdo mid la mid ah dhacdadii 17-kii March, 2005 markii uu Baarlamanka Federaalka dibadjoogga ahaa oo xaruntiisu ahayd Mpgathi, Kenya uu gacan ka hadal dhex maray xildhibaanada iyagoo ku kala aragti duwanaa mowduuca ah in ciidamo ka socda dalalka safka hore nabad ilaalin ahaan loogu diro Soomaaliya.

Ka dibna Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijadii codaynta oo noqotay in 182 xildhibaan ay u codeeyeen in magaalada Baydhabo ay noqoto magaalada xarunta u ah dhammaan waaxyaha dawlada (Baarlamaanka, waaxda fulinta-Madaxwaynaha, iyo Golaha Wasiirada (Ra'isal Wasaaraha) inta caasimada Muqdisho laga xasilinayo waxaana cod ahaa ama maya ah toona aan dhiiban oo ka aamusay codaynta hal (1) xildhibaan kaasoo ah: Wasiirka Dhulka iyo Degaameynta-Mowliid Macaane Maxamuud.
Ansixinta ay xildhibaanaada ansixiyeen in magaalada Baydhabo ay noqoto magaalada xarunta u ah dhamaan waaxyaha dawlada inta caasimada Muqdisho laga xasilinayo ayaa soo afjaraysa shakigii iyo murankii ka taagnaa magaalada sida rasmiga ah dawladu ugu nagaanayso iyadoo magaalada Jowhar ay Baydhabo tartan kula jirtay. Waxaa xusid mudan in Jowhar ay mar xarun u ahayd garab ka mid dawlada federaalka mudadii ay kala qaybsanayd intii u dhaxaysay June, 2005-Febraury, 2006.

Codaynta ka dib ayaa Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in codayntii ay ansax tahay islamarkaana ay dhammaan waaxyaha dawlada oo ay ku jiraan labada Gole dawlada iyo mu'assasaadka ay ka mid yihiin maxkamadaha iyo hay'adaha garsoorka ay ka hawlgali doonaan magaalada Baydhaba inta laga nabadaynayo caasimada joogtada ah ee Muqdisho saacad iyo sanad intay qaadataba waa siduu hadalka u dhigaye.
 

Top


Maxamed Dheere Oo Ku Edeeyey C/Qaasim Salaad Xasan Inuu Xidhiidh La Leeyahay Al-Qacida

Jawhar April, 23 2006 (Haatuf) Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb Maxa’ed Dheere ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Somalia Cabdi-qaasim Salaad Xasan in uu xidhiidh la leeyahay ururka Al-qaacida, isla markaana uu ku lug lahaa isaga iyo rag kale dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee dhex maray midowga maxkamadaha iyo isbaheysiga la dagaalanka argagixisada.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Baydhaba Waxa uu sidaa ka sheegay shir jaraa’id uu shalay ku qabtey magaalada Jowhar oo uu kaga hadlayo arimo dhowr ahShirkaan Jaraa’id uu ku qabtey Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Xafiiskiisa magaalada Jowhar ayuu kaga hadlay arimo dhowr ah oo ku aadan gobolka Sh/dhexe iyo Xiisadaha dagaal ee ka taagan magalaada Muqdisho.Si gaar ahna waxa uu u weeraray Madaxweynihii hore ee Somalia C/qaasim Salaad Xasan, Xasan Daahir Aweys iyo Aadan Ceyrow oo uu ku eedeeyey in ay wadaan abaabul dagaal oo mar kale ka dhaca magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah ugu eedeeyay C/qaasim Salaad Xasan in uu xidhiidh toos ah la leeyahay ururka Al-qaacida, uuna qorsheynayo safar uu ugu ambabaxayo wadanka Masar si halkaasi uu kulamo ugula soo yeesho xubno ka tirsan ururka Al-qacida.

Max’ed Dheere ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dr. C/qaasim Salaad Xasan in uu ka sameeyay magaalada Muqdisho Warshad lagu sameeyo Lacago Shilin soomaali Faalso ah.
Max’ed Dheere sidoo kale waxa uu ku eedeeyay maxaakiimta islaamiga ee magaaladaMuqdisho in ay laba jeer oo hore dagaalo ay ku soo qaadeen isbaheysiga la dagaalanka argagixisada, haatana ay qorsheynayaan kuwo kale oo ay ku soo qaadaan, isagoo ugu baaqay shacabiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho in ayna taageerin waxa uu ugu yeedhay Maxkamad ku sheegyada.
Max’ed Dheere ayaa hoosta ka xariiqay in isbaheysiga la dagaalanka argagixisada aanu wadin qorsheyaal ay ku qaadayaan dagaal, balse ay isdifaacayaan.
 

Top


Qaybtii Labaad: Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii DhergigaWaa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

 Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay Muuse Shoodhe, Waxa Tifaftiray A. DucaaleGanat: Ciidankii naaqfa ku sugnaa bal iyaga ka waran, waayo Waxa la sheegay in Guutadii 3aad ee aad ka soo baxday si ay guushu u raacdo awgeed inaad ciidankii Naaqfa ku sugnaa aad amar ku siisay si inaanay wax talaabo ah qaadin, ka dibna sidaa lagu jabiyay. Taa maxaad ka odhanaysaa?Mengistu: Waan ka xumahay taa. Ma waxaad ka akhrisatay buuggii la odhan jiray “ya dam inba”. Guutadii 3aad iyo guutadii 17aad miyaanay ahayn kuwii ku madhay ee gacanta ku dhigay naaqfa lafteeda? Guutada 3aad waxaa hogaaminayay korneyl Teshaagar oo ka soo jeeday Gobolka Gondar. Guutada 17aadna waxaa hogaaminayay nin aad u dagaalyahan ahaa oo la odhan jiray korneyl Worqu. Waxa kale oo isna hogaaminaya ciidankii furinta Janaralkii da’ada yaraa ee lagu caleemo saaray halkaa Jeneral Wubatu. Markaa nimankaasi waa nimankii amarkii la siiyay iyo istaratejiyadii loo dhigay sidii loogu talo galay u fuliyay ee guusha soo dhaliyay. Ee cadawgii ku dhuumanayay ee galay dhufayska adag ee dhulka buuralayda ah, inta ay ka dul-dageen mar keliya ay tacshiirado rasaas ah mar keliya naaraha ka waraabsheen. Dabadeedna cadawgu iyagoo markaa la jebiyay oo qubaaxoodii la cararaya ayey ciidan kale oo gurmad ah oo uu fadhigoodu ahaa furinta Naadew Mebreq soo gaadheen oo xoojiyeen dabadeedna ciidankayagii deganaa naaqfa inta dhaxda la gashaday oo isugu tageen ayaa Guutadii 3aad ilaa taliyahoodii ilaa ilaaladiisa ay dhamaantood meesha ay ku dhamaadeen Naaqfa ayey ahayd. Oo wax yar ayuun baa ka sii noolaa, dabadeedna dib ayaanu u dhisnay guutadaa.

Markaa Sheekadu is-waydaar bay noqotay. Waayo ma anaga ayaa guusha shacbiya gacanta u galinay ? sidee bay u dhici kartaa taasi aniga oo ahaa hogaamiyihii dhamaa ee dalka inaan sidaas yeelo ? ta kale qof kasta oo Itoobiyaan ahi waa jiidhkayga, waana raggii aanu soo wada halgami jirnay ee si isku mid ah dalkooda hooyo naftooda ugu hurayay, dalkuna u baahnaa. Sidaa darteed bal aan kaaga waramo ololihi dagaal ee Naaqfa mar haddii aynu bilownay sheekadiisa. Ololihii dagaal ee ku xigay Ololihi Xidigta Cas ee olole dagaal ugu danbeeyay ayuu ahaa dagaalka Naaqfa ahaa. Istaratijiyaddii dagaalkaas aniga ayaa dejiyay. Waxaanuna meel ku wada shirinay saraakiishi ciidanka hogaaminaysay oo aanu isla garanay, Siddan ayeyna ahayd sheekadu “ Waxa kale oo dhan inta aynu iska dhaafno aynu abaabul danbe oo guud intaynu samayno awoodda aynu leenahay oo dhan meel inta aynu isugu wada keeno aynu dhirbaaxo xooggan mar keliya cadawga ku dhufano. Taasi haddii ay inoo suurto gali waydona halka ay ugu awood badan yihiin inta aynu ka jebbino oo aynu hubino inaynu kaga gacan saraynay awoodda militari, dabadeed, markaa waynu odhan karnaa xal nabadeed halaga gaadho arinta. Haddii aynu sidaa yeelno iyaga ayaa ku qasban inay miiska lagu wada xaajoonaayo soo fadhiistan. Ta kale cidda gacan siinaysaana way kula talin doontaa. Markaa ilaa aynu awoodooda tusno oo aynu muujinno inaynu dhinaca milateriga ka awood sarrayno yeynaan sugin in fekraddii ay aaminsanaayeen qunyar ka baaba’do, fekradaas oo ahayd inay dagaalka ku guulaysan doonaan, arintaasina waa mid aynu soo aragnay oo aynu u soo wada joognay sannadihii ina dhaafay, wayna caddahay inaanay marnaba imanayn hadii xal nabadeed loogu yeedho.

Dabadeedna istaraatijiyaddii aan anigu soo bandhigay waxay ahayd siddan:
“ilaa hadda waxa jirtay in ciidanka cadawga ee ka imanaya dhinaca buuraha Baarka, Naaqfa iyo Saahil ama ciidan kasta oo la keenaa, iyaga oo sii socda ayuun bay la kulmi jireen holac, ka dibna ay sidaas ayey ciidankuba inagaga madhanayeen. Balse hadda wax kasta inta aynu u hurno aynu samayno sidii aynu xeryaha ay tababarka ku soo qaataan ee ku dhexyaal Suudaan inta aynu xadka ka gudubno in aynu soo wada baabi’ino. Sidoo kale jidka weyn ee ay sahayda iyo hubku u soo maraan ee Suudaan ka yimaadda aynu goyno. Weliba dhulka dhinacaa inaga xiga taangiyadeenu si fiican bay ugu dul-soconayaan.

Runtii haddii aynu meel aanay inaga fileyn aynu kaga soo wareegno, oo inta aynu hareereyno ayuun baynu dabadeedna weerari lahayn. Iyadoo ay ciidankeena cirkuna hawada ka weerarayaan si aanay ka filayn oo dhamaanba goobaha ay dagen yihiin mar keliya aynu qas galino. Ka dibna dhinacaa marka ay ka dabcaana ciidankeena lugtu inta uu dhinaca kale ka soo galo oo ha burburiyo. Balse marka hore dhirtu inta ay wada madobaanayso ee u dhulka biyuhu ka soo boodayaan waa in diyuuradaha iyo hubka culus lagu garaaco.
Qorshaheenu si u inoogu hirgalo waxaa la inooga baahan yahay in aynu diyaar garow adag sii samayno. Oo aynu diyaarino ciidan balaadhan oo kuwa qafilan ah; ciidan qalabaysan oo aad u tababaran oo buuralayda iyo dhulka banaanka ahba ka hawl-geli kara, waxaas oo dhan in aynu sii diyaarsano ayaa la inooga baahan yahay. Haddiii aynu qorshahan ku guuleysanona waxay markaa ku qasbanaan doonaan in ay is dhiibaan. Haddii kale sida ciyaaraha feedhka (Boxing) oo kale marba hakad yar ee aynu nasanaynaa waxba inooguma filna. Bulshaduna kolkaa way ka caajisaysaa dagaaladan aan dhamaadka lahayn. Ka dibna waxaanu isku af-garanay qorshihii aan u soo jeediyay sidaas ayeyna igu wada raaceen xiliguna waxa uu ahaa dabayaaqadii Toddobaatanaadkii. Intaa ka dib waxaan anigu u safray dalka midowga Sofiyeti safarkaasna madaxdii sare ee dawladda ka sokow waxa igu weheliyey saraakiil sare oo ciidamada ah iyo weliba Janaraallo fara badan.Dabadeedna dawladdii Ruushka waxaan ku idhi siddan:

“Ilaa hadda waad na soo caawinaysaan. Dalkayguna waa idiin og yahay abaalka aad noo gasheen. Bulshaduna sidoo kale inaad gacalkooda dhaw tihiin way idiin og yihiin. Anaguna waanu ognahay in aanu runtii idin dhibno. Bal waa tan oo idinkuna markasta nagama caajistaan oo waad na garab taagan tihiin, anagunana dhibkayagii waanu xalin kari la’anahay ee ilaa iyo goorma ayuun baanu siddan ku jiraynaa ? markaa hadal iyo dhamaan, hadda waxaanu ku fakarnay dhibkan hadda jira inaanu laba siyaabood oo keliya ku furdaamino. Bal in aanu xalsiyaadeed intaanu la beegsano aanu ku furdaamin karno. Oo intaanu bulshada afti ka qaadno aanu kala ogaanu inay midnimada raacsan yihiin iyo inay go’itaanka taageerayaan. Ilaa hadda wax qorshe ah oo aanu u dejinay midnimada ma jirto. Balse hadda waxaanu ku gudo jirnaa ansixintii dastuurka. Xisbigii waanu abaabulnay si ay awoodda shacbigu uga hirgasho dalka. Wakhti dhowna inaanu Jamhuuriyad asaasno ayaanu ku talo jirnaa. Intii hore codka shacabka Itoobiya la’aantii qaranimada dalka inaanu cid kale kula gorgortano awoodeeda maanu haysan. Balse hadda sidii hore way dhaantaa. Oo haddii aanu isku deyi lahayn airntan isla markii u kacaanku bilowday runtii waxay la mid ahayd sidii qof isagu gacantiisa isku dilaya oo kale. oo Anaga laftayda ayaa khatar ku sugnaan lahayn. Balse hadda bulshadu way fahansan tahay labadayada dhinacba in maadaamo ay dagaaladu dhaawac weyn noo geeyteen aanu nabad mooyee xal kale jirin. Markaa waxaanu diyaar u nahay inaanu heer Fadereeshin yeelanno, waayo iyaga (dhinaca jabhadaha) Fadareeshin ayuun bay kaga dhegtay , markaa hadda waxaanu u diyaarinay fadereeshin dhaama Fadareeshinkoodii hore. Waxayna yeelan doonaan ismaamul gaar u ah, balse waxaanu iskaga mid noqon doonaa: waxyaalo sida: gaashaandhiggaa, maaliyadda iyo arrimaha dibadda. Xalka siyaasadeed ee aanu ku fakarnay waa sidaa.
Xalka kalena waa inaanu la dagaalanno. ilaa aanu si xooggan waxa uga qabanno waayo hadii kale aayar uun inay ogolaadaan xal waa habee xalay tegay. Ee bal naga caawiya arintaa”.
Dalka Ruushka waxa markaa Bressenev. Run ahaantii wixii aanu ka codsanay oo dhan nama ay wada siin. Khaasatan Helikobtaradii way noo diideen.
Ganat: Maxay Helokabtarradii idiinku diideen ee ay idiin siin waayeen ?
La soco cadadka dambe;;;

Top


ASLI INTERNET : Cali Duul-Duul

Tixdan gabayga ah waxa magaceeda la yidhaahdaa caawa tabayaaye waxaa tirisay islaan xaaja qaada oo la yidhi Shaqlan taas oo hoos timaada islaanta Asli ee ka soo baxda wargeyska haatuf
Dad weynoow cibarada
Dhacdaan kuu cabirayaaye
Codkuu yidhi Ismaaciil hadii
Qolo canbaareeyey
Uu culimo awdiin fasiray
Calan walaynaayay
Ay col iyo nabad kay wadaan
Kala cadayn waayey
Inta kaleba waa caabiyaa
Caabuq kii wada’e
Waxa nabadgelyada loogu cugay
Inaan la ciidayne
Waxa riyaale uga coogayee
Kaga cadhaysiisay
Ee uu cayda ugu quudhayaan
Caawa tabayaaye
Colka xaaji dool waxay qabtaan
Caarif fidin wayne
Cawo iyo dharaar kama nastaan
Hawlahaa culuse
Baabuur cabaadaysa
Bay soo celceliyaane
Cimaamiyo khamiis wada cadbay
Cadar ku buufshaane
Casarka iyo fiidkay wacdiga
Kula caraabaane
Misna carigii fusuqbaa camiray
Cidina koobayne
Tayadooda waxa ciijiyaan
Caawa tabayaaye
Inkastoo wadaad loo cayimay
Caalim laga yaabay
Oo uu wax lama caasiyee
Qolo ku ciirciirin
Ama aanu cuur gaara odhan
Erayo ceebaysan
Misna wali waxqabad
Lagama curin Camaladiisiiye
Cudur daarku meeshuu yahaan
Caawa tabataate
Caynkaloo aan yaabanaan
Caawa tabayaaye
Markabada badii cunayee
Laga cabsoonwaayey
Ee ceeriga barbara lagu qabtiyo
Xeebta xidhifkeeda
Hadii ciidankii loo igmaday
Celin aqoon waayay
Uu xaalku cayn kale yahoo
Caadka laga qaadin
Carabtiyo cajamiga is gurtee
Qaatay calafkeena
Halka culuqu kaga maqanyahaan
Caawa tabayaaye
Caynkaloo aan yaabanahay baan
Caawa tabayaaye
Ururadu carqalad baynoqdeen
Caasiyiin qarane
Dalka oo camiran oon lahayn
Curuf xunaan diido
Ayuun bay wax lagu soo calaqay
Nagu cabeeyaane
Akademigaa ugu cudoon
Caadadaa adage
Cirkaasay kortaa
Maalintay qolo macsuumaane
Haayado cirfiidaa u dhiga
Caynka iyo jiine
Cad xalaala waxow diidaybaan
Caawa tabayaaye
Cudur aydhis halis weeye
Iyo cidhib la aan wayne
Waa cirir bukaan oon lahayn
Caafimaad sugane
Ruuxuu cuskado waxaa la yidhi
Caday ka dhuubnaaye
Caateeeye weeyaan ka yimi
Cadho ILLAAHAYE
Ruuxii macsida cuurta
Waa lagu ciqaabaaye
Casiisow alow naga koryeel
Caadil baad tahaye

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA:GOORMAAD KA ILBIXI ICTIRAAF IYO NABAD GALYO LAGUGU KHUUKHIYO?

Waxa waxa lagu qoslo oo lala yaabo ah, markasta oo
dalka Somaliland aad dhibtiisa istidhaa ka hadal, ama
dadka wax tusaalee, in laba arimood lagu soo
celceliyo: ICTIRAAF iyo NABAD GALYO.
Anigu se mid baan qabaa, NABAD GALYO aan dhoowristeeda
darteed ku aqbalayo wixii shalay aan ka dagaalamayay,
ee aan MAAL ADUUN, DADKAYGII, MAGAALOOYINKAYGII, iyo
GEESIYADAYDII intii dhimatay Illaahay Ha U Naxariistee
aan ku waayay, NABAD GALYO taas uma aqaanee DULINIMO
iyo DAD DOORSOOMAY oo waxay u halgamayeen aan FAHMAYN
baan inoo arkaa. Mar hadii maanta dhar cad CID ahi uu
ku odhanayo RAGII HALGANKII SNM intuu warqad kuu keeno
xafiiskaa lagaa doonayaa, wax ka dhiidhiya iyo wax
dhib u arka toona aanay jirin, NABAD GALYADA aan
sheegaynaa maxay tahay?. Mar hadii la diiday in
MAXKAMAD la adeegsado oo dambi lagugu soo oogo,
halkaana lagu kala cadeeyo in dambigu kugu cadaado iyo
in kale, oo laga door biday AMAR ka yimaada shaqsi ama
wasiir, NABAD GALYADA la dhoowrayaa ma marka guriga la
isugu yimaado ee DUMARKA hortaada lagu kufsado miyay
qiima yeelataa oo u qalantaa in maalintaa la kaco?.
Tii hore ee aan shalay halganka dheer la galay waa
halkay ka soo biloowday, SIBIQ SIBIQ dii wixii lagugu
ogolaysiiyay ayaa qax ku danbaysay.
Ta ICTIRAAFKA ayay noqotay; ICTIRAAF raadintiisa aan
xumaan kasta oo laygu sameeyo u dhaafayo, kuna
aqbalayo in xataa dhulka ICTIRAAFKA aan u raadinayo
badhkii in umad kale ka taliso, ICTIRAAF uma aqaan, ee
DAD LA MAAN DOORIYAY oo waxa lala sugayo iyo halka
lagu wado toona aan FAHAMSANAYN baan inoo arkaa. Inta
aan cid kale ku ICTIRAAFIN horta adigu ma is
ICTIRAAFSAN tahay?. Waa su’aal u baahan in kuligeen
aan is waydiino. Dadka aad leedahay ICTIRAAF baan u
raadinayaa ee dhulka aad ICTIRAAFKA u doonayso kuwada
nooli, horta iyagu MA IS ICTIRAAFSAN YIHIIN?. Dhibta
dadkaa dhexdooda taal, in aad xaliso oo xal waara aad
u hesho, wixii la kala tabanayana la dhamaystiro, oo
wax isku moowqif laga taagan yahay aad wada raadisaan,
wali horta habeena ma ku seexateen oo ma ku soo
toosteen?. Dawladaadu ICTIRAAFKA aad raadinayso,
DAACAD ma ka tahay?. Adigu waajibkii kaa saaraa
ICTIRAAF buuxa oo kaamila oo aad hesho, ma fulisay?.
Hadaan been laysu sheegayn, jawaabaha su’aalaha aan
kor ku soo sheegay waa MAYA?. Cade Muse oo ilaa
awoowgii iyo aabihiis aad magangalyo siisay, maanta
Bariga Sanaag kumuu soo duuleen, hadii aad midaysan
tahay. Dhibta dhexdaada taal ayuu ogyahay, oo uu ka
faa’iidaysanayaa. Hadii adigu aad is ICTIRAAFSAN
tahay, habeena kumuu riyoodeen inuu yidhaa shirkad baa
ii qodaysa, khayraadka kujira dhulkaaga. Hadii
dawladaadu ay daacad ka tahay ICTIRAAFKA walaalahaagii
la soo weeraray, ayay hiil iyo hooba la garab istaagi
lahayd. Waxa qudha ee laga hayaa ilaa hada waa
DIGNIINIHII horeba looga bartay oo kale, oo la wada
ogyahay in aan wax ficila oo ka danbeeyaa aanu jirin.
“NINKAAN WARANKAAGU GAADHIN WEEDHAADUNA MA GAADHO”.
Imisa digniinood oo hore ayay dawladu bixisay, maxayse
ka fulisay, markii dhag ba loo dhigiwaayay?. Waxba oo
“Mayd Waxaa U Danbeeyay Kaa La Siisido” Sool baa ugu
danbaysay, jawaabteedina waxay noqotay, CIIDAN CIDLA
LAGU QUBO, oo wax uu u socdo iyo qorshe uu ku socdo
toona lahayn.
Dawladaadu waxay u joogtaa in JEEBADAHA shaqsiyaad
gaarihi ka buuxsadaan, oo dadkana loo saaro “MAAWEELO
CARUURTA”. Caqliga in laga koro oo la iswaydiiyo,
maxaa inoo qorshaysan? Xagee hiigsanaynaa? Maxaa
qabsoomay, maxaa se dhiman? Maxaan ku gaadhi karaa
HIRKA AAN HIIGSANAYNO?. Shalay halkeen joognay, maanta
halkeen soo gaadhnay? Dib u dhaca inagu yimid maxaa u
sababa ah, een kaga bixi karaa (Berbera oo xidhantay,
Itoobiya oo xidhantay, Jibuuti oo xidhantay,
Cashuurtaadii oo Boosaaso la geeyo, etc)? Waxaas oo
dhami iskamuu dhicin ee waa CUNA QABATAYN lagugu hayo,
oo dawladaadu ka mid tahay dadka raba inay ku wiiqaan,
oo dabadeedna aad isdhiibto oo aad tidhaa halkee laygu
wadaa?. Adigoo miskiina, saxeexdo in xeryo lagugu
xareeyo, sida awr ta layliga la barayo.
Digniin baan hadalka ku soo xidhayaa; intiina jecel
dalka hooyo, ee BAARLAMAANKA cusub ka sugayay in uu
isbadel keeno, hadii sidii ay u maamuleen MAALIYADII
la ansixiyay u maamulaan shaqadoodii loo igmaday,
halkii hore ee kuwii hore mareen ku BUSHAARADAYSO, oo
inuu khasaaray codkaagi nafta u sheeg.

GUUL IYO GOBONIMO SOMALILAND

Rashiid, USA

 

Top


Iskaashigaa Lagu Gaadhaa Dan-GuudXild. Xuseen Ismaaciil Yuusuf

Iskaashigu waa awood wadareed oo laysu geeyey oo lagu daryeelayo dan-guud oo aan lagu qaban karin qof-qof iyo kali-kal oo horaa loo yidhi “Tabantaabadaa laba gacmood tamar ku yeeshaane, tiska waxa la qaadaa markay tiirisaa bixixe, haday midigtu kali taagan tahay tahar ma goyseene”.

Waxa hubaal ah in aan danta gaarka ahi hirgeli karin hadaan danta guud si adag u dhisnayn. Maal-qabeen lacag badan haystaa ha ogaado in hadaan nabadgelyo oo dan-guud ahi jirin aanu lacag haysteen, Bal dhinac walba jaleec waxaad arkaysaa in illaahay tilmaamo cad dhigay in nooluhu iskaashi ka abuuran yahay, Hadaad eegto qofka wuxuu ka abuuran yahay iskaashi; Laba lugood, laba gacmood, laba indhood, laba dhegood, inta muuqata iyo inta qarsooni waxay ku wada shaqaysaa iskaashi, markaas ka dib ayuu ficil muuqda qofku la yimaadaa. Iskaashiga waxa tilmaamaya xadiiska Nebigu (CSW) ku yidhi “Muuminiintu siday isugu naxariisanayaan, waxay la mid yihiin sidii qof jidh-kaliya oo hadii xubini xanuusato ay la xanuusanayso jidhka intiisa kale oo la wadaagaya soo jeedka iyo xumada”. Cirka iyo dhulku way iskaashaadaan, oo xoolahaa daaqa marka uu roobku da’o.
Tilmaamahaasi waxay inoo cadaynayaan inay illaahay ina tusayo in iskaashigu nolosha aadamaha saldhig u yahay oo hadaan iskaashi jirin aanu nolol jirin, illaahayna SW, waxa uu yidhi “Xadhiga illaahay wada qabsada dhamaantiin oo ha kala tegina”.
Haddaba, waxa isweydiin leh ummaddeenu iskaashi ma leedahay? Haa waxa ay isku kaashataa colaad iyo mag-bixin, taas oo si cad uga hor-imanaysa hadalka illaahay uu yidhi “isku kaashada wanaaga iyo alle ka cabsiga, hana isku kaashanina dembiga iyo gardarada”.
Inaga oo haddaba, ku cimro qaadanayna aayaadka, axaadiista iyo tilmaamaha iskaashiga ee Eebbe ina tusay wax iskaashi dhaqaale ah ma kaga dayanay if iyo aakhiraba waa la isku kaashadaa, markaa haduu ka aakhiro nin iyo camalkii noqday, maxaynu ifka isugu kaashan-weynay, miyaan iskaashi dhaqaale oo shareecada ku sugan oo xalaal ah la samayn karin, hadii jawaabtu haa tahay maxaa inaga hor-taagan?
Yurub iyo maraykanku waxay carro edeg ku haystaan waa iskaashi oo ah Company-yo waaweyn oo raasamaal waaweyn leh, waxayna ka baxeen ganacsi kali kali ah, Company-yadu shaqada ayay abuuraan, dawladuna waxay ka heshaa cashuur xad-dhaaf ah oo danta guud lagu daryeelo, sidaana weeyaan sida iskaashigu danta guud u dhiso, dabadeed danta gaar ahina u hirgasho.
Innagu waxaynu ka bilownaa halkii ay ku dhammaan lahayd, inagga oo wax walba ka horeysiina danta gaarka ah, markii la waayey Company-yaal shaqo abuura ayaa dadkii 90% shaqo la’aani ku dhacday, dabadeedna budhcadnimo iyo tuugo si laxaadle u soo badanaysaa, hadii aan wax laga qabanna waxa laga baqayaa inay cawaaqib xumo weyn dalka u horseedi doonto.
Ganacsigu wuxuu u qaybsamaa saddex kala ah; ganacsi gaar ah oo qof leeyahay, ganacsi dad dhowr ahi isugu tageen oo imika soo badanaya iyo Company oo ah ka maanta loo baahan yahay. Labada hore waa meherado aan shaqo badan abuuri karin, haday khasaaraanna aanu dadka lihi ka soo waaqsan, Company-gana waxa sameeya dad farabadan oo mid waliba saami iibsado oo hadii uu Company-gu kaco dadka saamilayda leh khasaare saamigiisa ka badani soo gaadhayn. Waxa ganacsatada gaar ahaan ganacsatada waaweyn ku baraarujinayaa inay isugu tagaan, sameeyaana Company-yaal, una soo bandhigaan saamiyo dadweynuhu iibsado. Waxa wadanka ka buuxa oo ku camal la’ raggii aqoonta sare u lahaa maamulida Company-yada waaweyn. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa inay shirkadaha yar-yarina ee gaarka loo leeyahay ama dhawrka qof leeyihiin raasamaalkooda mideeyaan oo ay noqdaan Company-yo dhexe oo shaqooyin fiican abuuri kara. Sidoo kale, xawaaladuhu waa inay isku tagaan oo ay noqdaan Baan raasamalkiisa dad badani leeyihiin, Baankaasi waxaan filayaa inuu shaqadiisa Baanka si qumaati ah u bilaabi lahaa, waayo aad baa loo tabayaa oo kaalintaasi u banaan tahay.
Waxa kale oo xusid mudan in si hagar la’aan ah cashuuraha waajibka ah loo bixiyo, si dawladu danta guud oo amnigu ka mid yahay si habsami ah u gudato, hadii aan cashuuraha si hagar la’aan ah loo bixin dawladi shaqayn mayso, amnina jiri maayo. Dadku wuxu yidhaahdaa cashuur aan khasnada gaadhayn maxaan u bixinaynaa, waxaan jecel-lahay inaan xusuusiyo dadweynaha inay ka go’an tahay wakiilada cusub inta taagtooda ah in ninkii shilinkiisa la waayo isagana la waayo, darajo kasta ha lahaadee.
Waxaan hadalkayga ku soo gebagabaynayaa yeynaan magaalada jees-jees u deganaanin, sida aynu miyiga ku nahay oo yaan ganacsigeenu noqonin waar adhiga adhiga iiga duw.
 

Top


Somaliland Inan Gumeed U Xod-Xodid Ka Weyn

Waxa aynu wada ognahay tan iyo markii shacbiga reer Somaliland ay dib ula soo noqdeen xoriyadeeda oo ku beegnayd 18/5/1991, in naftooda hagradayaashu wax u yeedhinayeen dhegoolayaasha iyo indhoolayaasha qushi socodka Somaliland ee aan waxba ka ogeyn waxa dalka loo soo maray. Waxay ciyaarsiiyeen ciyaartii Bisada iyo Jiirka ee aan dhamaanayn, iyaga oo ka bilaabay distoor samayn, goleyaal degaan, golaha wakiilada, markaasaa arrinkeenu arrin noqonayaa. Intiiba waa la soo maray, iyada oo ay moodayaan inay wax u hayaan, hadana waxa loo bilaabay dhalaan habaabin wala-weyn oo loogu furayo Nairobi, waxa halkaasi lagu kulansiinayaa Jaajaalayaasha Somaliland, Dhuuni-raacyada Imbagaati iyo Suul-cawraha Majeerteeniya.
Qushi-socodka Somaliland, may dareemin waxay meesha u joogaan iyo rabitaanka shacbiga. Mida kale, waxay garan la’yihiin yackoo ciyaarsiinta naftooda hafrada ay ku wadaan in mar-labaad u gacan-geliyaan maxmiyadii talyaanga, iskaa qof kale’e mujaahidka xalaasha ah ayaa dembi geli kara, hubinta dhaqdhaqaaq la socodka ceeb maaha, bahdilidna maaha, ha la hubiyo wixii la garan waayo, waxa haboon in tallaabo laga qaado gudoomiye ku xigeenka labaad ee iskaga badheedhay gacan haadintana bilaabay.
Markay caynkaasi tahay waxaan dhamaantood u sheegayaa in aanu wax arkayno, waxna maqlayno, garanaynana Somaliland inay ka weyn tahay mid inan gumeed loo xod-xodo, loona maxalalo.
Ibraahim Cige Iidle.


 

Top