Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1721 May 6, 2008

Tacsi

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Komishanka Burburay

Magacaabista Gobolka Selel Ee Rayaale Maxay Ka Tari Kartaa Somaliland, Djibouti, Iyo Beelaha Gobolka Awdal?

Xisbiga KULMIYE Oo Sheegay Inaanay U Dulqaadan Doonin Dagaalka Ay Xukuumaddu Ku Hayso

“Waxaanu Buuxinay Shuruudihii Dawladi Ku Dhamaystirmaysay Oo Dhan, Faransiiskuna Wuxuu Naga Aqbalay Inuu Na-Siiyo Xafiis Somaliland Metela”
Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), Wakiilka Somaliland ee Faransiiska 

Wiil Uu Dhalay Usaama Bin Laden Oo Loo Diiday Fiisaha Dalka UK

Wasiirka Dhaqanka Iyo Dalxiiska Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Dhaliyaradii Ku Guulaysatay Kaalmaha U Horeeysa Barnaamijkii Heesaha Hirgalay

 Siyaasadi Maxay Tahay? - Maanso
Waxa Curiyey: Aadan Jaamac Xadi 5/3/08

Riyaale: Hogaamiye Lagu Hungoobay

Dadka u dhashay Gobollada Sool, Sanaag bari, iyo Buuhoodle cod buuxa ma ku leeyihiin arimaha Doorashooyinka

“Komishankani Maaha Kuwo Doorasho Qaban Kara, Oo Leh Hogaamin”
Gud. Kuxigeenka 2aad ee Wakiilada Somaliland

Wasiirka Maaliyadda Oo Maanta Wakiilada Hor Geyn Doona Miisaaniyadda 2008

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Tacsi

Jamaal Cabdi Gaboobe (Guddomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Seattle), Axmad Cabdillahi Jireh, iyo dhammaan jaaliyada Somaliland ee Seattle waxay tacsi u dirayaan qoyskii, ehelkii iyo asxaabti uu ka geeriyooday marxuum Siciid Maygaaag Samatar, waxaanay ilaahay uga baryayaan inuu ka waraabiyo jannadi fardowsa. Qoyskii iyo qaraabadi u ka baxayna samir iyo imaan. Inna lillah wa-inna ilayhi raajicuun.
 


 BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Komishanka Burburay

Riyaale waxa uu fogeeyay rajadii ictiraafka oo ku xidhnayd qabashada doorashooyin xor oo xalaal ah sannadkan

Komishankii Doorashooyinka Qaranka ee Axadii doraad burburay waxa uun buu qayb ka yahay dalka dhan ee la yidhaahdo Somaliland ee in muddo ahba ku burburayay gacanta Daahir Riyaale ee shacbigii lahaana ay sidaa uun ku daawanayeen.

Gudoomiye ku-xigeenkii Komishanka Doorashooyinka Xirsi Xasan Xaaji Cali waxa xilkii lagaga qaaday jawaab uu ka bixiyay hadalo aflagaado iyo hanjabaad isugu jira oo uu Madaxweyne Daahir Riyaale u soo jeediyay Komishanka toddobaadkii hore.

Xirsi waxa uu ahaa xubintii Komishanka ee uu xisbiga KULMIYE soo magacaabay, muddooyinkan dambena Xirsi waxa uu ahaa xubinta keliya ee mucaaridka ku metelaysay Komishanka kadib markii muddo dhawr bilood hadda laga joogo shaqadii laga fadhiisiyay xubintii xisbiga UCID soo magacaabay Mr. Axmed Maxamed Xaaji.

Marka laga reebo Maxamed Yuusuf oo isagu dibadaha ugu maqan arrimo caafimaad, xubnihii Komishanku waxay hadda isugu soo hadheen 4 xubnood oo dhammaantood ah kuwii ay dawladdu soo magacowday isla markaana uu Riyaale soo xushay.

Waxay Xirsi gef uga dhigeen eray uu yidhi oo ahaa ‘Madaxweyne waxaad noola siman tahay markay tahay arrimaha doorashooyinka Faysal iyo Siillaanyo’.

Waa la garan karaa in Riyaale uu eraygaas ka xanaaqayo oo wali uu aaminsan yahay, cuqdadna ka qabo in labada nin ee uu la tartamayaa ay kaga sareeyaan dhinacii aqoonta, cilmiga, waayo-aragnimada iyo kartidaba. Laakiin waxa la-yaab leh afarta nin ee ogaa in haddii ay saaxiibkood Xirsi eed aanu lahayn u xambaariyaan uu sii jiritaankii Komishanku halis geli doono ee haddana isla tallaabadii burburka keenaysay ku dhaqaaqay.

Maxamed Ismaaciil Kaba-weyne iyo Saddexda xubnood ee kale, maxay ka faa’iideyn ee aan ahayn sharaf-dhac iyo magac-xumo?! Mise waxay gobonimo u haystaan masuuliyadii dadku ku aaminay ee ay dayaceen iyo xilka ay ka soo bixi waayeen?

Reer Somaliland waxay u helanaayeen inay dhawaan doortaan goleyaashoodii degaanka iyo Madaxweyne, waxaanay rajaynayeen in doorashooyinka oo si fiican ugu qabsoomaa ay dalka u soo hoyn doonto sumcad lagu aqoonsan karo. Laakiin rajadaasi waxay hadda u muuqataa mid raarantay markii ay Kaba-weyne iyo saaxiibadii mustaqbalkii ummadda ay ka doorteen inay u adeegaan nin keliya oo kursigiisii ay dharaaro uga hadhsan yihiin.

Riyaale waxa uu fogeeyay rajadii ictiraafka oo ku xidhnayd doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo dalka ka qabsooma sannadkan.

Burburkan Komishanka ka hor, Riyaale waxa uu niyad-jab ku ridday dawladaha deeqda bixiya ee u guntanaa inay taageero fiican Somaliland ka siiyaan hawlaha baaxadda weyn leh ee diiwaangelinta codbixiye-yaasha iyo labada doorasho ee Madaxweynaha iyo goleyaasha degaanka iyada oo ay dareemeen in Riyaale kolba carqalad uu doorashooyinka ku baajiyo uu abuurayo.

Cago-jiidka Riyaale waxa uu naxdin ku noqday dawladaha deeqda bixiya gaar ahaan dawladaha Midowga Yurub oo iyagu ka gaabsaday inay gacan ka geystaan doorashadii Madaxweynaha ee 2003 si aan taas loogu qaadan inay Somaliland ictiraafeen balse doorkan ku soo dhiiraday kana soo diyaar-garoobay inay gacan ka geystaan doorashada Madaxweynaha ee 2008.

Run ahaantii dawladaha reer galbeedku arrintan uma wada dhamma oo waxa ilaa hadda jira qaar aan dan ka lahayn Somaliland amaba aan jeclayn gooni-isu-taageeda ay ku dhegan tahay. Hase yeeshee dawladaha USA, UK, Sweden, Denmark iyo Norway ayaa mawqif cad oo dhiiri-gelin ah iska taagay dimuqraadiyeynta Somaliland oo ay doorashooyinku ka mid yihiin. Laakiin Riyaale dawladahaasi taageerada isla barbar taagay geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland waxa uu ugu abaalguday inuu ku yidhaahdo fidno ayaa dalkayaga ka dhex abuuraysaan.

Weftigii deeq-bixiyeyaasha ee bishii hore dalka soo booqday, dawladda Riyaale waxay ku qabsatay oo ay kula yaabtay hadal aan turxaanba lahayn oo ay weriyeyaashu kaga soo duubeen Madaarka. Mooyi eh malaha cidbaa Riyaale si khaldan ugu turjumtay wixii ay ku hadleen intii aanay madaarka ka duulin.

Dabcan may ahayn wax qabta weftigaas deeqbixiyeyaasha in la iska cambaareeyo iyada oo waliba ay ku jireen shakhsiyaad si waxtar leh oo daacadnimo ku jirto ula shaqayn jiray Somaliland.

Riyaale waxa uu inoo muujiyey in kursigiisu kala weyn yahay ictiraafka dalka, waxaana sidaas ku taageersan wasiiradiisa dhibta raaxada moodaya, guurtida muddadu ka dhammaatay, afartii nin ee Xirsi masabiday iyo af-miinshaarada mustaqbalkii ubadkooda cunay.

Haddii aan Riyaale inta goori goor tahay la iska qaban oo sidan lagu sii socdo, Somaliland ictiraaf ay hesho daayoo waxay geli doontaa liisaska wadamada aan ka-soo-reynta lahayn.

 


 Magacaabista Gobolka Selel Ee Rayaale Maxay Ka Tari Kartaa Somaliland, Djibouti, Iyo Beelaha Gobolka Awdal?

Faallo – Maxamed Cumar, Weriyaha Haatuf

Waa shay iska caadi ah in mar kasta oo Daahir Rayyale Rayaale beelaha kale Somaliland ka doonayo dano siyaasadeed, Reer Boorama uu Daahir Rayaale marsiiyo wax kasta oo ay ka diideen madaxweynihii jagada uu ka dhaxlay ee Marxuum maxamed i.Ciaal. Waxa hore loo ogaa sidii uu Daahir Rayaale reer Awdal ugu khasbay inay qaataan saamiga baarlamaanka ay ku leeyihiin maanta ee ee 13ka ah, iyo arrimo badan oo aynaan halkan maanta xusi karayn,balse mawduucaasi an wakhtiyo kale an xusi doonno..Dhinaca kalena reer awdal inkasta oo ay ka cadhoodaan qorashayaasha Rayaale u dan ah ee uu marsiinayo haddana kama hadlaan, maadaama ay ay u arkaan inuu Rayaale reer awdal ka ridayo cadow waayo hore ay lahaan jireen, isla markaana muujinaya geesiinimada reer awdal u lahaan jireen dhaqan,.Reer awdalna ka dhigay kuwa maanta dunida laga bartay waxay galaan iyo waxay gudaan. iyadoo dhinaca kalena la ogyahay inaanay jirin maalin ay reer Awdal kaga xuntahay, kana liitaan dhinacyada nolosha, dhaqaalaha, iyo arrimaha siyaasadda. Reer awdal oo intii anu rayaale iman xukunka dalka lagu yaqaannay daacadcadnimo, maamulwanaag, iyo musuqmaasuq la'aan, ayaad moodda in sifooyinkaa lagu tuhunsanaa meesha ka baxeen.

Daahir Rayaale waxa uu maanta rer awdal marsiinayaa kala goynta gobolka awdal, oo qayb ka mid ah loo bixiyey selel,muddo dheerna beel ka mid ah beelihii reer awdal Dawladihii iskaga dambeeyey Soomaaliya iyo Somalilandba xoog iyo xeerba kaga waayey dhul u gooni ah balse maanta daahir Rayaale siiyey si uu dano siyaasadeed iyo kuwa dhaqaaleba ugu gadho,dhulkan oo lagu sheegay inay ka buuxaan khayraadka dabiiciga ah ee batroolku ka mid yahay,sida wearbixin ay ku sheegeen shirkado baadhay waagii Siyaad barre dalka xukumayey.

Si kastaba ha ahaatee magacaabista Rayaale ee gobolka Selel waxay shacbigii gobolkan kala dhexdhigtay dareen cusub oo laga dareemayey isla maalintii fantasiyaha loo samaynayey gobolkan.Markaad eegto odayaashii, siyaasiyiintii iyo martidii reer Djibouti ee halkaa ka hadashay, waxa iska caddayd in durba la kala riixanayo gobolkan an weli cago dhigan. Dareenakaasi waxa uu bilowday markii uu khudbad ku saabsan taariikhda gobolka la magacaabay uu ka hadlay xil.Cali areeye, kanaoso jeeda xildhibeenada beesha Ciise ee golaha baarlamaanka,kaasoo ay ay khudbaddiisi ka muuqatay caadifad beeleed, kuna tiraabay in gobolkani yahay mid weligiiba beesha Ciise degaan ahayn leedahay, isagoo Cali areeye intii laga joojin khudbadda ku faanay in taariikhda Saylac ay beesha ciise qarniyaal badan gacantooda ku jirtay, iyagana wax laga weydiiyo,ilaa haatanna ay yihiin dadka keliya ee degaankaasi ka muuqda.Dhica kale markaad eegto beelaha samarroon ee halkaa yimi,gaar ahaan beesha maxamed Case oo lagu tiriyo inay dhulkaa loo bixiyey selel inta badan degaaan ahaan ka muuqdaan ilaa wakhtigan, marka loo eego beelaha samarroon ee kale, ayaa guux kale fantasiyaha ka dhex aloosmay kaddib markii ogaaydhaqamed lagu magacaabo Ciise Dhammeeye makarafoonka qabsaday. Xubnihii beesha Ciise ka joogay halkaasi, waxay markiiba didmo ka muujiyeen magaca caaqilkaasi ka yimi magaalada Garbaodadar, ee iyadana Rayaale ka dhigay degmo hoos imanaysa maamulka gobolka Selsel,Ciise dhammeeye, iyo xil.Cali areeye oo beesha Ciise u hadlay,ayaa weli an la ogeyn sida la iskugu keeni doono marka uu yimaaddo maamulka iyo gacan ku haynta loo magacaabi doono.gobolkani.

Dhinaca kale markaad eegto Beesha Ciise iyo xubnihii reer Djibouti halkaa ka yimi una muuqday kuwa si gaar ah isku siiy,uguna heesayey gobolka selsel, ayaa dhinaca kale waxa u cuntami la’ sida beesha Boon, ama degmada Boon, iyo xariirad ay kasoo jeedaan ama ay degaan ardaayo ka tirsan Beesha J/yoonis ee madaxweyne Rayaledub oo ay beesha Ciise weligoodba isku haystaan gacan ku haynta degaanka Xariirad, ayaa beesha Ciise u haystaaan in ka mid ahaanshahooda beel;ahaasi ee Gobolka selel, anay dan u ahayn, balse ay ahayd in laga reebo oo degaanka Boorama lagu daro,ama gobolka awdal,iyagoo ka cabsi qaba in awoodda xukuumadda Rayaale dhulkaa lagu keeni karo maamullo kasoo jeeda Beelaha madaxweyne Rayaale, oo ay u haystaan inaanay shul iyo degaan toona ku, lahayn degmada Saylac.

Si kastab ha ahaatee markaad eegto dhinaca Somaliland, gaar ahaanna reer awdalka Boorama laga xukumo,waxay badanbkoodu u arkaan in magacaabistaasi tahay mid an wakhtigeedii kusoo beegmin,gobolka awdalna u baahnaa in dhul kale lagusoo daro, balse anay ahayn in Saylac laga jaro,maadaana magaalada Boon iyo qulujeed ay hadda kaddib ahaan doonaan soohdimaha Beelaha Samarrron, halka kuwa kalena aaminsanayihiin in maadaama Beesha Ciise ku abtirsadaan Dawladda Djibouti, Soomaali oo dhanna ku xukumaan, anay suurtagal ahayn in Degamada Saylac loogu daro, sidaa darteedna uu Rayaale dhul kale ama gobol kale u sameeyey beelaha samarroon ee aanay sheekadu ahayn Beesha Ciise ayaa dhul samarroon loo jaray, Booramana noqon doonin meesha keliya ee lagu tiriyo degaan samarroon ee ay la wadaagaan beesha Ciise.

Dhinaca Somaliland, inkastoo anay fahamsanayn waxa uu yahay gobolka selsel, iyo taariikh ahaan cidda iska leh, balse waxay siyaasiyiin iyo aqoonyahanno badani aaminsanyihiin in gobolkaasi uu rayaale hadyad abtinnimo u siiyey Ismaaciil Cumar geelle iyo dawladda Djibouti, kuwaasoo dhulkasi ama Degaankaasi Saylac uu ka horjoogay Marxuum Cigaal, iyo madaxdii ka horreysay ee xukuumaddii afweyne, sidaa darteedna ay Djibouti maanta marmarsiiyo u heshay inay soo farageliso Somaliland, gogolna u dhigto kooxaha isku haya Soomaaliya ee hudheelada Djibouti buuxdhaafiyey.
Sidaa darteed dhibaatada iyo walaaca ka iman kara gobolkaasi aakhirataanka waxyeelo weyn ku noqon doonto Somaliland qarannimadeeda, taas oo u muuqata in maanta Daahir Rayaale oo madaxa ka jaray Somaliland, mustaqbalkana laga yaabo in muwaadiniinta reer Somaliland baasaboorka Djibouti lagu weydiiyo wixii ka hooseeya magaalada Boon. Waase haddii uu Rayaale kaga dhabeeyo gobolnimada Selel oo aanay ahayn mid uu kaga gudbayo uun wakhtiga doorashada Madaxweyne-nimada ee Somaliland.

Ugu dambayntiina lama garan karo in beelaha reer awdal iyo kuwa reer Djibouti ku heshiin doonaan gobolkan cusub, lamana oga in Somalilandta an ku jirin xukuumadda Rayaale aqbali doonaan in si dhib yar Rayaale u bixiyo dhul ay beelihii taageeri jiray SNM kaga dhinteen boqollaal dagaalyahan, kuwaas oo xaq u leh inay saamigooda ka helaan dhulka ay u haytstaan inay ka xoreeyeen Siyaad Barre iyo Rayaaleba. Dhinaca kale gudaha beelaha reer Awdal, ama samarroon, ayaa waxa ka jira dareenno kale oo laga dheehan karo in qayb ka mid ah aaminsan yihiin in gobolkan cusubi u soo kordhay dadkii dhulkaasi Illaahay dhigay, balse maanta lala doonayo inay ka taliyaan dad aan gobolkan u dhalan oo Boorama iyo Djibouti ka kala yimi, tuhunkaas oo cabsi ku haya ardaayada beelaha Maxamed Case, oo qaarkood aaminsan yihiin in Rayaale kaga saarayo meesha si looga aargoosto taageeradooda dhinaca mucaaradka, ee sababtay in xitaa gudoomiye ku-xigeenka afraad ee xisbiga KULMIYE Mr. Saylici loo diido inuu Saylac ka hadlo maalintii fantasiyaha Selel, balse la ogaan doono cidda ku xoog roonaata gacan-ku-haynta gobolkan Djibouti la deriska ah.


 


 Xisbiga KULMIYE Oo Sheegay Inaanay U Dulqaadan Doonin Dagaalka Ay Xukuumaddu Ku Hayso

Hargeysa, May 6, 2008 (Haatuf) – Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa si xoog leh u cambaareeyay siyaasadda ay Xukuumadda Rayaale kula dhaqanto taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay sheegtay inay lagu hayo cadaadis, cabudhin, xadhig iyo takoorid dhinacyada dhaqaalaha iyo shaqada ah, waxaanay tallaabooyinka noocaas ah ku tilmaameen dagaal qaawan oo ay xukuumaddu go’aamisay inay ku qaado xisbiga KULMIYE masuuliyiintiisa iyo taageerayaashiisaba.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, waxaanu xisbigu ugu baaqay Xukuumadda Riyaale inay si dhakhso ah u sii dayso xubnaha xisbiga KULMIYE ee gardarada ugu xidhan xabsiyada dalka.

War-saxaafadeedka xisbiga KULMIYE waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:
“Tan iyo intii talada dalka uu qabtay Daahir Riyaale doorashadii madaxtooyada ee 2003dii ka dib waxa uu dagaal toos ah oo qaawan oo dhinac walba leh af iyo addinba ku qaaday xisbiga KULMIYE, taasoo aanu xisbga KULMIYE marnaba ka bixin jawabtii ku haboonayd ama uu xaqa u lahaa, isagoo xeerinayey waxyaalo badan una arkayey inay jawaab la’aantaa maslaxadi ku jirto.

Xukuumadda Daahir Riyaale waxa ay marwalba oo ilaa xilligaa aan kor ku sheegnay ku simaan ilaa maanta oo aynnu joogno si cadawtinimo ah ugu isticmaalaysey cabudhinta iyo cadaadiska xisbiga KULMIYE awoodda dawladeed ee ay gacanta ku hayso.
Dhibaatada, dibindaabyada, iyo xad-gudubku waxay yihiin kuwo saameeyey dhamaan bulshada reer Somaliland, waxase intooda badan dhibaatadu gaar ugu dhacdaa cidda loo tuhmo inay yihiin taageerayaasha ama xubnaha xisbiga KULMIYE.

Waxa taageerayaasha KULMIYE xukuumaddu si qaawan ugala dagaallantay dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, qandaraasyada, shaqada dawladda, hay’adaha caalamiga ah, NGOyada maxalliga ah iyo meel kasta oo ay nolosha ka raadsan lahaayeenba.

Dhaqamadani waxa ay ku khasbeen in badan oo umadda ka mid ah in ay muujisan kari waayaan dareenkooda siyaasadeed ee ay xaqa u leeyihiin.

Waxa markhaato madoon ah oo umaddu si cad u ogtahay:
1. In 04/04/2005 xukuumaddu weerar ku qaadday xarunta xisbiga KULMIYE iyagoo aan dariiq sharci u soo marin, oo raadinaya idaacad loogu sheegay inay xaruntaas taallo oo KULMIYE leeyahay, taasoo haddii ay jiri lahaydba ay ahaan lahayd mid xisbigu xaq dastuuri ah u leeyahay, oo in lagu weeraro iskaba daayoo in laga horjoogsadaa ay xaraan tahay.
2. Waxa xukuumaddu isku dayday inay xidho xog-hayihii guud ee xisiga
Daa’uud Maxamed Geelle alla ha u naxariistee 04/04/2008.
3. Waxa 2006dii madaxweynuhu shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay isagoo ku nuuxnuuxsanaya in KULMIYE yahay cadwoga gudaha ee Somaliland leedahay, isla markaana ay yihiin qaran dumis.
4. Waxa xukuumaddu guud ahaan gaar ahaanna madaxtooyadu xuquuqdeedii muwaaddinnimo ka qaaa\dday marwada guddoomiyaha xsibiga KULMIYE Marwo Aamina Sh. Kaddib markii ay ku guulaysatey imtixaan ay u gashay jago ka bannaanayd hay’adda CARE International, shaqadaasoo madaxtooyadu dhaar iyo wacad ku martay inaanay qabanayn ama hay’addu dalka ka baxayso, aakhirkiina la siiyey nin sawaaxili ah oo ka mid ahaa dadkii imtixaanka galay ee ay kaga guulaysatey.
5. Waxa xukuumaddu sannadkii 2006dii si sharciga aan waafaqsanayn u xidhay guddoomiyihii xisiga ee gobolka Awdal.
6. Waxa xukuumaddu weerar gelisey guriga xubin ka mid ahayd guddida fulinta ee xisbiga iyadoo doonaysey inay xidho sababo fekerkiisa la xidhiidha dartood (Muuse Biixi)
7. Waxa xukuumaddu si sharci darro ah xabsiga u dhigtay muddana ay ugu haysatey xubin ka mid guddida fulinta ee xisbiga ka mid ahayd (C/waaxid C/Qaadir C/Raxmaan).
8. Waxa xukuumaddu isku dayday inay xabsiga u taxaabto masuul isna ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE (Maxamed Kaahin Axmed).
9. 10/04/2008 waxa wasiirka arrimaha guduhu C/laahi cirro warbaahinta caalmaka iyo ta maxalliga ahba ka sheegay inuu KULMIYE ka danbeeyey qarax la sheegay inuu ka dhacay guriga guurtida taasoo:
10. 10//4/2008 loo qabtay oday Deyr Maxamed Cilmi.
11. 12/04/2008na loo qabtay guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee xisbiga KULMIYE Axmed Cumar X.C/laahi (xamarji).
12. 01/05/2008 waxa xukuumaddu si sharci darro ah xabsiga ugu taxaabtay xubin ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ilaa haddana uu u xidhan yahay (Abshir Xasan Xaashi).
Dhamaan dhacdooyinkani waa kuwo la wada ogayahay oo Aan qarsoodi ahayn, mana jirto dhacdo keliya oo xukuumaddu caddaysay, isla markaana mar jirto dhacdo keliya oo maxkamad lagu horgeeyey ciddii lagu eedeeyey, muwaadin walba marka muddo la haysto ee xorriyaddiisii, karaamadiisii iyo tii xisbigiisaba laga lumiyo ayaa lasyka soo daayaa.
Arrimahan aan kor ku soo sheegnay iyo qaar kaleba waxa xisbiga KULMIYE u arkyey ilaa haddana u arkaa daan-daansi iyo falal cadowtinnimo oo loola badheedhay, waxa kale oo KULMIYE u arkayey dagaal ay xukuumaddu go’aamisey ama ay caddaysay oo nalagu soo qaaday.

Xisbiga KULMIYE waxa uu xukuumadda u soo jeedinayaa in ay sii deyso xubnaha xisbiga ee gardarrada ugu xudhan.

Xisbiga KULMIYE waxa uu dhaleecaynayaa falalkaa masuulyad darrada ah ee xukuumaddu kula dhaqanto, waxaanu caddaynayaa inaanu dulqaad danbe u yeelan doonin una adkaysan doonin tallaabooyin danbe oo noocan ah.”

Top


 “Waxaanu Buuxinay Shuruudihii Dawladi Ku Dhamaystirmaysay Oo Dhan, Faransiiskuna Wuxuu Naga Aqbalay Inuu Na-Siiyo Xafiis Somaliland Metela”
Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), Wakiilka Somaliland ee Faransiiska 

Paris, May 6, 2008 (Haatuf) – Wakiilka Somaliland u fadhiya Faransiiska, Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) ayaa sheegay inay Somaliland buuxisay shuruudihii dawladii lahayd oo dhan, sidaas darteed ay u baahan tahay keliya aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho Beesha Caalamka, inkastoo ay jiraan wadamo badan oo na siiyay aqoonsi aan rasmi ahayn “de facto recognition” oo xafiisyo diblomaasiyadeed aanu ku leenahay, haddana Somaliland waxay u baahan tahay in ay hesho aqoonsi rasmi ah.

Mr. Fagadhe waxa kale oo uu sheegay inay dawladda Faransiisku dhowaan marka ay qabato gudoomiyenimada Midowga Yurub si xoog leh looga doodi doono qadiyadda Somaliland.

Sidaana waxa uu ku sheegay Fagadhe wareysi uu siiyay Wargeys ka soo baxa magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo la yidhaahdo Les nouvelles d’Addis, waxaanu wareysigaasi u dhignaa sidan:

“Somaliland waxay raadinaysaa aqoonsi caalami ah laga bilaabo 1991 kii markii ay dib ula soo noqotay madax banaanideedii, wadamada qaarkood ayaa siiyay ayaa siiyay aqoonsiga aan ku dhisnayn sharci (defacto recognition).

Dalalkaasi waxa ka mid ah Ethiopia oo xafiis wakiil ka siisay Addis-Ababa, waftiyo ayaa loo diray Boqortooyada Britain oo ahayd xoogagii gumaystaha ee xukumi jiray maxmiyada Somaliland. Waxaa kale oo wufuudaasi tageen Maraykanka iyo Talyaaniga.
Dhowaan laba jeer ayuu Faransiisku diblomaasiyiin ka socota Safaarada Djibouti u diray Hargeysa si ay ula abuuraan xidhiidho dhaqan.

Talaabadii ugu dambeysay ee Faransiisku ku aqoonsaday Somaliland waxay ahayd furitaankii xafiiska wakiilka xidhiidhka Somaliland ee Paris.

Les nouvelles d’Addis ayaa la kulantay wakiilka cusub ee Somaliland Maxamuud Saalax Nuur“fagadhe”.
S: Dhowaan waxa aad timid Faransiiska adigoo ka wakiil ah dalkaaga maxay ahaayeen shaqooyinkii rasmiga ahaa ee kuugu horeeyay?
J: Laga soo bilaabo markii Somaliland dib loo abuuray waxaan soo kala qabtay dhowr mansab.1993 kii ayaa la dhaqan galiyay national charterka(axdi qarameedka)magaalada Boorama, oo qaab dhismeedka dawladu ku yimid. Waxaan noqday xubin ka tirsan golaha Wakiilada ee gobolkayga Sanaag ilaa laga gaadhayay 1997 kii oo cigaal la doortay, dabadeed waxa aan noqday wasiirka arimaha dibada oo aan jagadaa hayay ilaa 2001, markii xisbiyada siyaasadda la aasaasay waxaan ka mid noqday aasaasayaashii xisbiga KULMIYE, kaas oo ah xisbiga Mucaaridka ee ugu weyn. Aakhirkii Madaxweyne Riyaale ayaa ii doortay jagadan inkastoo aanan ka tegin xisbigaygii haddana wuxuu tixgeliyay taariikhdaydii waxaana la iga dhigay wakiilka Somaliland ee Faransiiska, kadib markii ay dawladda Somaliland u aragtay in Faransiisku yahay quwadaha waaweyn ee Yurub, waxay go’aansatay in ay xafiis ka furato. Waxa kale oo Somaliland laga bilaabay in luqadda Faransiiska lagu dhexdaro nidaamka waxbarashada dalka, waxaana imika luqadda Faransiiska wax lagaga dhigaa Jaamacadaha Hargeysa iyo Boorama.

S: Ma noqon karaysid wakiil diblomaasiyadeed oo rasmi ah sababtoo ah weli aqoonsi ma helin Somaliland, sidaas darteed maxay noqon kartaa sharciyadaadu?
J: Aqoonsigu waxa uu leeyahay laba weji oo kala ah ‘de facto recognition iyo de-jure recognition, waxaanu imika haysanaa de facto recognition, Faransiisku waxa uu tixgalinayaa xaqiiqda ah in Somaliland jirtay 17 Sanadood, waxay ka soo kabatay dhibaatooyin fara badan, hadda waxay leedahay saxaafad xor ah, gole wakiilo oo si dhab ah u shaqeeya iyo waxyaabo badan oo xisbiyada mucaaradku ay maamulaan, sidaad ogtahay waxaanu kala saarnay awoodaha sharci dejinta, garsoorka iyo fulinta, golaha wakiilada kuraasta ugu badan waxa leh mucaaradka, sidaas darteed waxay tahay mid si la yaab leh isugu xidhan.

S: Waxaad taabatay aqoonsiga de facto ma waxaad tilmaameysaa booqashadii diblomaasiyiinta Faransiisku ay Hargeysa ku tageen ma u malaynaysaa in tani ay tahay talaabadii ugu horeysay ee aqoonsiga?
J: Waxay ila tahay in ogaanshaha aduunka ee Somaliland ay sii kordheyso, waxay ahayd in aduunyadu ay mar hore ay aqoonsato Somaliland, sababtoo ah beesha caalamku waxay rumaysatay in Somaliland ay dhamaystirtay marxaladihii dawladnimo buuxda lagu noqonayay. Wax kasta oo lagu noqonayo dawlad ee ku xusan heshiiskii Montevideo convention. waxaanu leenahay xuduud sugan, shacbi rasmi ah oo leh dhamaan hay’adihii dawladeed oo shaqeeya oo xalaal ah sababta oo ah waxaanu samaynay doorashooyin xalaal ah, sida tii Madaxtooyada, wakiilada, iyo dawladaha hoose. waxaanu nahay dalka kali ee heysta nabad degan marka aad eegto gobolkan.

s: waa mid lala yaabo marka wadamada Yurub sida Faransiiska iyo Ingiriiska oo kali ahi ay bilaabeen cilaaqaad xitaa hadii aanay ahayn rasmi, Midowga afrikana ray’igaaga miyuu sii wadi doonaa go’aan qaadasho la’aanta ?
J: Waa su’aal wanaagsan, runtii waxaanu qornay codsi rasmi ah oo aanu ku codsanayno in aanu ka mid noqono Midowga Afrika, waxaanay noo soo direen wefdi heer sare ah, oo gaba gabadiina warbixin ka qoray xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland, waxay soo jeediyeen in Somaliland la aqoonsado oo ay ka mid noqoto Midowga Afrika, taas oo wadankayagu aanu la mid ahayn Biafra, ama wadan kala go’ay oo kale, waxay Somaliland qabsatay waa sida uu axdiga Midowga Afrika dhigayo oo dhan, dhowaan Insha Allah waxay gaadhi doonaan go’aan togan.

S: Waxaad joogtaa imika Faransiiska ma kuu qorshaysan tahay oo kale in aad la kulanto ashkhaas ka tirsan Wasaarada khaarajiga Faransiiska?
J: Wasaarada khaarajiga Faransiisku waxay naga aqbashay in Somaliland la siiyo xaqa furashada xafiis metela dalkayaga, ma aha diblomaasiyad dhamaystiran (ex officio).

S: Ma sida wakiilada Falastiiniyiinta baa?
J: Waa sidaas oo kale, Faransiisku go’aanka wuxuu la qaadan doona dalalka Yurub, Faransiisku kaligii go’aan ma qaadan karo, Faransiisku waxa uu bisha Toddobaad gudoomin doonaa Midowga Yurub, waxay ila tahay, in si qoto dheer looga baaraan degi doono arinta aqoonsiga Somaliland, taasina waxa ay ku xidhan tahay inta ay le’eg tahay sida aanu uga hawl galkno in lagu qanciyo oo aanu uga dhaadhicino Midowga Yurub qadiyadda dalkayaga.
 

 


 Wiil Uu Dhalay Usaama Bin Laden Oo Loo Diiday Fiisaha Dalka UK   

London, May 6, 2008 (W. Wararka) – Wiil uu dhalay Sheekh Usama Bin Laadin ayaa dhawaan loo diiday Visaha dalka Ingiriiska, waxaana lagu sababeeyey arintaas in Wiilkan Aabihii uu yahay danbiile ka danbeeyey qaraxii dalka Ingiriiska ka dhacay Sanadkii 2005-tii oo ay ku geeriyoodeen dad lagu qiyaasay in ay ahaayeen 58 qof.

Wiilkan oo iminka ku sugan dalka Faransiiska, ayaa horay u guursaday gabadh u dhalatay dalka Ingiriiska oo da'deeda lagu qiyaasay in ay tahay 58 jir.

Gabadhan oo markii hore diinta Masiixiga haysatay, ayaa iminka ah muslimad, waxayna la baxday magaca ah Zeina Maxamed, halka markii hore uu magaceedu ahaa Jane Felix-browne, waxayna is guursadeen Ina Bin Laadin wakhti sii horaysay oo ay booqasho Dalxiis ah ku tagtay daka Masar oo Ina Bin Laadin xiligaas ku noolaa.

Gabadhan oo wax laga waydiiyey sida ay dareentay markii ninkeeda loo diiday in uu yimaado dalka Ingiriiska oo ay u dhalatay iyadu, ayaa sheegtay in aanay arintaasi wax welwel ah ku hayn, ayna aaminsan tahay in Cumar Usama Bin Laadin aanu gabadh kale la guursan doonin inta uu nool yahay.

Cumar Usama Bin Laadin oo isagu iminka 27 jir ah, ayaa horay u lahaa Xaas iyo Caruur ay Hooyadood kala tageen, waxaanu guurka gabadhan kala kulmay Handadaad fara badan oo xaga Qoyskiisa uga timid, ka dib markay ku eedeeyeen in uu guursaday Islaan ka da'weyn oo waliba dal Islaamka Cadow ku ah ka soo jeeda.

Cumar Usama Bin Laadiin oo dhowr jeer Qoyskiisu ugu hanjabeen in ay dili doonaan hadaanu furin Xaaskiisa cusub, ayaan wax weyn ka soo qaadin handadaadaa maalinlaha ah ee dadkiisa iyo dalkiisa uga imanaysay, wuxuuna ku adkaystaa mar walba in uu qabi doono Xaaskiisa cusub ee uu jacaylka weyn u hayo.

Dhalinyarada kasoo jeeda dhulalka Carabta iyo kuwa Africa, ayaa inta badan quud dareeya in ay guursadaan Gabdhaha Cadaanka ah ee kasoo jeeda Wadamada horay u maray, waxaana inta badan lagu fasiraa Guurkaas mid dano gaar ah laga leeyahay sida in Gabadha reer Yurub ay ku gayso dalkeeda oo kale si aad Sharci iyo Nolol midda Africa dhaanta aad u hesho, lakiin waxay dad badan ka gaabsadeen waxa Ina Bin Laadin ku qasbay in uu guurasdo Gabadhan waayeelka ah ee Caruurteeda ay isku faca yihiin maadaamaa uu kasoojeedo Qoys ladan.

Cumar Usama Bin Laadin oo horey u furay Gabadhan, ayaa mar kale ku noqday ka dib markay dhaxdhaxaadiyeen labadooda dad ay Saaxiibo la ahaayeen,waxayna dadka qaar ku fasireen Guurka Ina Bin Laadin iyo Gabadhan dhex maray mid uu Ina Bin Laadin ku doonayo in uu reer Yurub noqdo si uu isaga mayro Eedaynta joogtada ah ee Maalin walba uga timaada wadamada reer galbeedka ah oo ku tilmaama in ay yihiin reer Bin Laadin Qoys argagixiso ah.

 


 Wasiirka Dhaqanka Iyo Dalxiiska Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Dhaliyaradii Ku Guulaysatay Kaalmaha U Horeeysa Barnaamijkii Heesaha Hirgalay

“Dawladii Siyaad Barre waxay ku dhaqaaqday oo ay la soo baxday heeso ay dadka ku dhiiri gelinayeen, oo ay ka mid ahayd Dhaldhalaalka beenta ah ee dhaqaalaheena” C/risaaq Waaberi

Hargeysa, May 6, 2008 (Haatuf) - Wasiirka Wasaarada dhaqanka iyo Dalxiiska Md: Cabdirisaaq Waabari Rooble ayaa shalay shahaadooyin ku gudoonsiiyay hotel Imperial lix fanaan oo ka soo baxay tartankii barnaamijka heesaha hirgalay ee dhawaan lagu qabtay garoonka Tima Cadde ee magaalada Hargeysa. Xafladaas oo ay soo qabanqaabiyeen wasaarada Hiddaha iyo Dalxiiska ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin, abwaaniin, fanaaniin iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horeyn xafladaasi ka hadlay wasiirka wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska C/risaaq Waaberi waxaana uu sheegay in wasaarada Dalxiiska iyo Dhaqanku ay ku hawlan tahay sidii ay u soo saari lahayd fanaaniin da’yar isagoo tilmaamay inaanay wax caawima ah ka helin ha’yadaha dawliga ah marka laga reebo xukuumada sare mooyane, waxana hadalkii wasiirka ka mid ahaa oo uu yidhi “Runtii wasaaradani waxay u darban tahay inay sidii ay kor ugu qaadi lahayd fanka iyo suugaanta Somaliland, runtiina cidi nagamay caawin dhamaan hawlahaa aanu ku jirno marka laga reebo xukuumada wasaaraduna miisaaniyada ku filan ma laha, wasaarad ahaan joojin mayno barnaamijka heesaha hirgalay habeenada marka la gaadho bisha Juun habeen walba oo Jimce ah waxaa lagu qaban doonaa garoonka Tima Cadde, si aanu u soo saaro fanaaniin da’yar ah, ummad waliba waxay leedahay Hidde iyo Dhaqan oo ay ku faantaa, umadaasina ma bedesho fankeeda oo wax kale oo ay ku bedesho ma hayso, inaga Somaliland waxay lahayd Hidde iyo Dhaqan soo jireen ah waxaana ka mid ah kan imika halkan ka ciyaaraynay’ wasiirku waxa uu kale uu sheegay in maanta hawlahaas oo dhan ay inoogu qabsoomeen nabada aynu haysano waxaana uu tilmaamay in nabadaasi ay ragg doonayaan in ay burburiyaan isagoo tilmaamay in raggaasi ay baal mareen dastuurkii waxaana uu wasiirku sheegay in aanay ka yeelayn waxaana uu yidhi ‘Hawlahaasi waxay inoogu qabsoomayaan nabada aynu haysano nabad hadaanaynaan haysana waxaasi inoomay qabsoomeen.

Waxaanan jecelahay wasaarad ahaan in marwalba ay ku baraarujiso nabada iyo qiimaha ay leedahay, wax kasta oo yimaada waa inaynu ka door bidnaa nabada aynu haysano oo aynu ilaashanaa, doorashooyinbaa inagu soo fool leh waddo cadbaa u jeexan oo loo dhigay waana dastuurka dalka u yaala, laakiin waxaad moodaa in ragga qaarkii ay doonayaan in wadadaa ay garab maraan oo wado kale oo yooyootana la yimaadaan taasina tu laga yeelayo maaha, dastuurka aynu ku dhaqano, dastuurkaas aynu raacno, taas baynu wax ku gaadhaynaa, taas baynu wax ku noqonaynaa wixii kaa ka leexsani dee wax laga yeeli karo maaha, waana in dastuurkaas wixii ku socda aynu ayidno, ummadan Somaliland waa ummada ka horaysa dadka Geeska Afrika kuwaa walaalaheena ee inagu xiga waad arkaysaan waxaan rajaynayaa in nabada aan ilaashano” ayuu yidhi wasiirku waxaana uu ka dalbaday fanaaniinta da’da yari inay soo saaraan Heeso iyo Gabayo ay dadka ku baraarujinayaan sidii ay wax ula soo bixi lahaayeen waxaana uu wasiirku yidhi ‘Waxaynu cuni jirnay waxay ahayd Qamadiga, Heeda, Arabikhida iyo Garowga waxaa wanaagsan in dadkeena ku baraarujino in qof waliba halka uu degan yahay ama daarada u banaan wax ka beerto mar uun bay ina anfici doontaaye waxaan taas fanaaniinta ku boorinayaa sidii ay su soo saari lahaayeen heeso iyo gabayo lagu baraarujinaayo dadka oo idaacada geeyaan barigii Siyaad Barrena waxay ku dhaqaaqday oo ay la soo baxday heeso ay dadka ku dhiiri galinayaan oo ka mid ahaa dhaldhalaalka beenta ah ee dhaqaalaheena dhaawacaysa aynu dhaadno ,markaa kuwaas oo kale ayaa laydinka doonayaa. aad iyo aad baan ugu faraxsanahay dhalinyaradan waxaanan ku baraarujinayaa inay halkaa ka sii wadaan barnaamijkaa heesaha hir galay” waxaa isaguna halkaasi ka hadlay wasiirku xigeenka wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Sheekh Maxamed Cabdi waxaana uu tilmaamay in uu fanku yahay shay Illaahay qofka hibo u siiyo ee aanay ahayn wax layska yeelyeelo, waxaa kale oo uu tilmaamay in fanaaniintan da’da yari ay heesahooda u isticmaalaan dhinaca wanaagsan dadkana ugu hagaan dhinaca wanaagsan waxaana uu yidhi ‘Runtii fanku waxa weeye shay maskaxda bini’aadamka ka yimaada oo ah halka laga xukumo jidhka, fankuna waa shay uu illaahay qofka hibo ahaan u siiyo ee maaha wax qofku iska yeelyeelo, waxaanan markaa odhan lahaa abwaanku waa midi laba afleh haduu dadka xaga xun u jiheeyo wuu yeeli karaa, haduu xaga fiican u jiheeyana wuu yeeli karaa, Abwaankana waxaa laga rabaa in uu gabay ama heeso ku muujiyo inaynu la soo baxno waxa inaga dhiman, hadalkana marka suugaan laga dhigo wuu qurux badan yahay dadkuna si fudud ayuu u qaadan karaa, haddii ay jiraan dad isku dayaya inay nabada wax yeeleeyaan taa go’aankeeda waxa leh ummada iyo fanaaniinta. waxaana fiican inay dadka ku hagto oo ay u muujiso nabada waxay tahay, waxaanan halkan ugu hambalyaynayaa dhilinyartan hidaha iyo dhaqanka waxaanan odhan lahaa wasaarada hiddaha iyo dhaqanka inay hawlaheeda halkaa ka sii wado” Ugu danbayna waxaa halkaasi wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiisku shahoodooyin ku gudoonsiiyay fanaaniintii kaalmaha kore ka gashay tartankii heesaha hirgalay halkaas oo fanaaniintii kalena lagu gudoonsiiyay shahaadooyin, waxaa kale oo uu wasiirku shahaadooyin gudoonsiiyay dadkii kala soo shaqeeyay hawshan intii tartanku socday oo uu ka mid ahaa Rashiid Mustafe X Nuur hadaba lixda fanaan ee kaalmaha hore ka galay tartankan waxay kala ahaayeen
1. Maxamed C/laahi Diiriye
2. C/raxmaan Caydiid
3. Mawliid Cismaan Aw xasan
4. Aniisa Mahdi Xaashi
5. Maxamed Saleebaan Axmed
6. Maxamed Axmed Bakaal, isla halkaasna waxa uu wasirku gudoonsiiyey
 


  Siyaasadi Maxay Tahay? - Maanso
Waxa Curiyey: Aadan Jaamac Xadi 5/3/08

Siyaasadi Maxay Tahay? - Maanso
Waxa Curiyey: Aadan Jaamac Xadi 5/3/08

Maansadani waxay ka hadlaysaa jahawareerka, isfaham la’aanta iyo dhakafaarka siyaasadeed ee ka taagan dalka Somaliland bulshadana ka dhex abuuray kala shaki, is xagxagasho, kala qaybsanaan iyo muran farabadan.

Waxay muujinaysaa dhibaato jirta oo ah in nin waliba sida uu rabo u macnaysto una adeegsado eraygan la yaabka leh ee loo yaqaan siyaasadda.
Waxay isku dayeysaa inay macno iyo sumad u raadiso ummaddana ugu baaqdo, ku martiqaaddo, kuna dhiirri geliso inay u hawl galaan sidii loo heli lahaa macno iyo sharraxaad la isku raacsan yahay oo laga midaysan yahay, si looga nabadgalo dhibaatooyinkeeda isla markaana sida ugu habboon looga faa’iidaysto wixii waxtar ah ee ay leedahay.

Maansadan loogama jeedo in koox, urur, xisbi ama shaqsiyaad gaar ah lagu dhaleeceeyo ama wax lagaga sheego laakiin waxa keliya oo ujeeddadeedu tahay waa xal raadin, isku soo dhowaansho iyo horumarinta fikirka aqooneed iyo wada tashiga dadweynaha.

Adduunyada sideedaba
Allihii sameeyaa
U sakhiray addoomaha
Saadaalinteediyo
Kala saaristeedoo
Shay waliba sumad iyo
Macno lagu sargooyoo
Saamigiisa garab yaal
Kaga soocan yahayoo
Ku salaysan aragtiin
Sifo lagu tilmaansado
U sugnaaday baa jira

Siyaasadi maxay tahay?
Su’aal gaaban weeyoo
Hadii aad si taag daran
Ayadoon la sababayn
Salka loogu daadegin
Sahal ugu dhawaaqdaan
Surma seegto weeyoo
Sabigiyo dhallaankaa
Jawaab kooban siin kara

Balse sadarka maansadu
Way ka sarara weyn tahay
Salfudayd in lagu dayo
Nin sunneeyay ma astayn
Kii saray ma guda gelin
Ka sarriigay waa nacab
Erayada sarbeebta ah
Raggii saafi jiraybaa
Siddi qabaxda sheekada
Surinkeeda heli kara

Siyaasadi maxay tahay?
Ma sir iyo khiyaamaa
Ma nidaam surgacanoo
Dadka lagu sasabo oo
Saxda qalad mar laga dhigo
Marna qalad sax laga dhigo
Sandulliyo ma boobbaa
Adigoon su’aal celin
Sababaha is weydiin
Ma sidayda yeelbaa

Siyaasadi maxay tahay?
Salaan aan niyada jirin
Soo dhoweyn ujeedo leh
Sanqashiyo iljabiniyo
Suul dhabaale yeedhmo ah
Ma afgarad silloonbaa

Siyaasadi maxay tahay?
Ma nin qaata suudhoo
Surka maro ka lulatoo
Safar iyo bixbixid iyo
Dhoof iyo socdaal jecel
Saaxiibo badan loo
Marku sii baxaayiyo
Marku soo degaayana
Badhna sii sagootiyo
Qaarna soo dhoweeyaan
Wuxu soo siyaadshana
Sirri daarri hoosiyo
Nin sokeeya mooyee
cid kaleeto suurayn
Ma salaan jacaylbaa

Siyaasadi maxay tahay?
Ma sarreeye gaas iyo
Guulwade sidiisii
Soomaali maamulay
Soodhkiyo rasaastiyo
Galka seefta kala baxay
Dadka kuu saluugee
Sixi waaya heestiyo
Ku sadqeeyay culimada
Taladana sir iyo caad
Socodsiiya tuu rabo
Ma habkii siyaadbaa

Siyaasadi maxay tahay?
Dimoqraadi saar iyo
Suruc iyo wadaado leh
Sarajoog mar lagu wado
Marna sidii wadaadkii
Qiilka u samaystee
Usha sare u taag yidhi
Kolna jiifinteed saxay
Siday kuugu badisiyo
La seexshaa banaan tahay
Sinnaantii habawdiyo
Ma caddaalad suushaa

Siyaasadi maxay tahay?
Dimoqraadi saawira
Seed iyo laf daayoo
Aan beerna sari karin
Dib u soco hore u soco
Sanqadh iyo war beenaad
Subaxda iyo galabtii
Midba xeerar soo saar
Suxuuftiyo wargeysyada
Idaacado ka sii daa
Midna yaan la socodsiin
Saamayn cid ku lahaan
Kulligood sabaaliyo
Sifir iyo waxkuma yaal
Socod barad dhaqaaq iyo
Orod laga sugaayoo
Simbiriirixoodiyo
Ma xornimo la seegaa
Siyaasadi maxay tahay?

Qorshe layska sahashaday
Gocondhada sunteediyo
Laga gurin simbiidhada
Laga saarin qodaxdii
Sibiq lagu guddoonsaday
Dabadeed saluug iyo
Samir taag la’aaneed
Dadka qaar ku seexdeen

Ma axsaab saddexanoo
Loo seeray madashoo
Silig loogu meershoo
Inta kale ka soomeen
Sallida iyo gogoshana
Keligood ku seexdoo
Salka dhigay baraad li’i
Sawirka iyo muuqaal
Sansaantiyo tilmaamaha
Ma Somalilandbaa
Siyaasadi maxay tahay?

Siyaasadi waxay tahay
Ama siday u eegtahay
Qaabkeeda sarajoog
Midabkeeda sooca ah
Sifeheeda gaarka ah
Ninkastaaba si u qabo
Bal aan diirad saarroo
Sumaddeeda baadhnee
Tani waa su’aal furan
Sahan waxay u tahay dood
La bineeyay seeskii
Saldhiggay u hoyan layd

Suugaan la maaxshiyo
Murti laysku sooroo
Saxan lagu wadaagoo
Saxarkiyo ilduufkiyo
Naxli laga sifeeyoo
Sirta caadka laga rogo
Dadku ha u sid tiriyeen
Sadar laysku waafaqo
Sacabada la wada tumo
Ha saxeen dadweynuhu
 


  Riyaale: Hogaamiye Lagu Hungoobay

Q-20-aad Maxamed Cismaan Dubbe

Marka aynu maanta dhan kasta ka eegno jawiga siyaasadeed,iyo dhaqaale uu dalkeenu ku sugan yahay, waxaa inoo soo baxaya in aynaan heysan jihadii saxda ahayd ee dimuqraadiyada.

Xukuumada maanta ee uu madaxa ka yahay Daahir Riyaale Kaahin waxa aad moodaa in ay ka leexatay wadadii saxda ahayd ee dal lagu hogaamin jiray, marka dal la qiimeynayo heerkiisa dimuqraadiyadeed waxa uu caalamku ka eegaa dhowr meelood oo ay ka mid yihiin, xoriyada saxaafada,xoriyada banaan baxa,xoriyada garsoorka, iyo xoriyada siyaasada.

Xoriyada saxaafadda
Hadii aynu ku horeyno xoriyada saxaafada, dalkeena waxa ka jira wargeysyo,website-do iyo laba Tv oo madax banaan.
Ma jiraan idaacado madax banaan oo ay dadku kala socdaan xaalada dalka,maadaama oo ay dadkeena boqolkiiba todobaatan aanay waxba akhrin karin waxna qori karin, sidee bay wararka uga heli karaan wargeysyada iyo website-dada oo ay akhrisan karaan dadka wax akhriya oo kali ah.
Sidaa darteed dadku waxa uu u baahan yahay in ay xukuumadu fasaxdo idaacado gaar loo leeyahay oo dalka oo dhan wada gaadha mar hadii idaacadii dawlada ee lacagta badan lagu soo iibiyay ay ilaa maanta dhaafi kari la’dahay magaalada Hargeysa.
Maba xumaateen,haba iska tiiro gaabnaatee hadii idaacada radio Hargeysa laga baahinayo barnaamijyo iyo warar umadda u dhex ah, waxa aynu wada ognahay in idaacadu aanay dhex u ahayn saddexda xisbi ee qaranka,waxa idaacadeena laga baahiyaa wararka ay xukuumada riyaale iyo UDUB ay doonayaan,dadka siyaasada falanqeeyaana waxa ayba u yaqaanaan idaacada radio Hargeysa(shimbir babqaa) oo ah shimbir hadalkii aad tidhaahdo uun kaa daba odhanaya ee aan isagu wax hadal ah ama ra’yi ah aan lahayn,sidaa waxa ka dhigan masuuliyiinta idaacada oo ku hadaaqa kolba hadalkii ay dawladu u sheegto.
Dhinaca Tv-yada waxa aynu wada ognahay in dadkeenu u badan yahay sabool,sidaa darteed intooda badani ma awoodaan in ay iibsadaan Telefishano, waayo muraayada ugu jaban waxa la siiyaa $ 90,dakhliga shakhsiga caadiga ah ee reer somaliland soo galaana waa $1 maalintii.waxa intaa sii dheer in Tv yada gaarka loo leeyahay ee dalkeenu ay bil kasta qaadaan ugu yaraan $10 oo kiro ah.
Sidaa darteed waxa loo baahan yahay in la helo idaacado gaar loo leeyahay oo dalka wada gaadha.

Xoriyada banaan baxa
mudadii shanta sano ahayd ee riyaale xilka hayay,waxa dhacay dhowr banaan bax oo ay muwaadiniintu kaga cabanayeen Xukuumadda,hase ahaatee nasiib darro banaan bax kasta waxa ku dhimanayay ugu yaraan hal qof. Todobaadkan ugu dambeeyay waxa ay ciidamadu toogasho ku dileen wiil dhalin yar ah oo aan isagu kaba qayb qaadanayn banaan bax ee u sii socday jaamacada.
Waxa aynu wada ognahay in hay’ada UNDP ay xukuumada ku caawisay qalabkii lagaga hor tagayay mudaharaadada rabshadaha wata, isla markaana ay u tababartay sidii loo isticmaali lahaa, hadaba iyadoo ay sidaa tahay waa maxay sababta ay xukuumadu mar kasta u adeegsato xabado nool halkii ka isticmaali lahayd qalabka loogu deeqay.

Madax banaanida garsoorka
Madaxweyne Riyaale markii loo dhaariyay xilka bishii May 16/2003 waxa uu balan qaaday in uu toosin doono isla markaana uu dar dar galin doono madax banaanida garsoorka.
Hase ahaatee nasiib darro, ilaa imika ma muuqato garsoor xor ah oo madax banaan oo uu riyaale hir galiyay, iyada oo haatan ay gabo gabo tahay mudadii shanta sano ahayd ee xilka Madaxweynaha.

Dhinaca xoriyada siyaasada ilaa imika xukuumaddu ma ogola in muwaadiniintu ay sameystaan ururo siyaasadeed.

urur siyaasadeedka QARAN ilaa imika ma haystaan wax u damaanad qaadaya in ay ka qayb galaan doorashooyinka fooda inagu soo haya,hadiiba ay dalka ka dhacaan doorashooyin.

Ugu dambeyntii iscasilaada uu bishan Afarteedii uu ku dhawaaqay gudoomiye ku xigeenkii komishanka doorashooyinka Xirsi Cali Xasan ayaa waxa ay muwaadiniinta ku abuurtay wer wer hor leh,iyada oo hore xilkii ay komishanku uga qaadeen xubintii xisbiga UCID.

Gaba gabadii
Hadaba marka la eego arimahan soo socda ee lidka ku ah dimuqraadiyada ee dalkeena ka jira ee ay ka midka yihiin xoriyad la’aanta saxaafada,xoriyad la’aanta banaan baxa, madax banaani la’aanta garsoorka, xoriyad la’aanta siyaasada(in ay muwaadiniintu sameystaan ururo siyaasadeed), iyo bur burka komishanka doorashooyinka oo ay imika isugu soo hadheen xubno hal xisbi (UDUB) oo qudha metelaya, ayaa waxa ay ina tusayaan in aanay dalkeena ka jirin dimuqraadiyad dhab ahi, isla markaana uu Madaxweyne riyaale uu ku fashilmay balamihii uu qaaday markii la doortay iyo hogaamintii dalkaba.

Sidoo kale waxa ay muwaadiniintu cabsi ka qabaan in ay naftooda ku waayayaan hadii sameeyaan banaan baxyo ay shucuurtooda ku cabirayaan.

Mid ka mid ah dhalinyarada magaalada Hargeysa oo sanadkii saddexaad ee jaamacada ku jira ayaa waxa aan weydiiyay sababta ay ardayda jaamacada Hargeysa ay uga gaabiyeen in ay dareenkooda ku muujiyaan banaan baxyo nabad gelyo ah?

Ardaygaasi oo magaciisa ku soo gaabiyay Axmed waxa uu ku jawaabay “waar anaga waa nala sadqeynayaa, oo waatii horeba arday nalooga dilay, miyaanad maqal in Madaxweyne Riyaale markii uu maalintii dhoweyd la hadlayay labada gole ee baarlamaanka inuu yidhi “ qofkii saani u joogi waaya waa la sadqeynayaa sidii kuwii maalintii dhoweyd oo kale” markaa ma naftayadaanu ku duulnaa”ayuu hadalkiisa ku soo koobay ardaygaasi.

 


  Dadka u dhashay Gobollada Sool, Sanaag bari, iyo Buuhoodle cod buuxa ma ku leeyihiin arimaha Doorashooyinka

Ka hor islaamka dhulka Somaliland wuxuu qayb ka yahay dhulkii loo yiqiin dhulkii ilaahay iyo dhulkii uduga (the land of punt).

Xilligii islaamka ama diinteenu soo degtay qaar ka mida axsaabtii ugu horeysay ee Rasuulka (csws) oo uu hogaaminaayey Sayid jacfar Abu daalib ayaa la wariyey inay qiyaasihii soo gaadheen dhulkan amaba G. Afrikaba sanadkii 615 H. sidoo kale qayb ayeynu ka nahay dhulkan Rasuulku u ducaayey sidaa darteed baanu rumaysanahay in dhulkani yahay dhul muqadas ah oo barakaysan iyo aad u khayraad badan.

Shacabka Somaliland waxaan u aaminsanahay inuu yahay mid ilaahay ku galaday dun wacnaan iyo gobonimo waana shacab wadaaga diin, Af, Dhaqan iyo Dhulba, waxaana la odhan karaa muqadasnimada dhulka waxaa lagu ilaaliyey shacabkiisa oo u qalma.
Imbiraadooriyaddii Ingiriiska ee ku habsatay dhulal badan oo aynu ka mid nahay, siduu ula dhaqmay dalalkii kale ee uu gumaysan jiray, waxaa cad in inaga inoola dhaqmin siday guud ahaanba wadamaddii reer yurub ula dhaqmi jireen dadyowgii ay gumaysan jireen, ama raadadkay kaga tageen, marka laga reebo qaab xukunka xun ee Divid and Rule, taas oo la odhan karo waxaa sabab u noqon karta marka hore ilaashiga rabaaniga ah iyo duntiisa gobonimo ee dadku leeyahay ee diinta iyo iimaanku salka u yahay, waxaa kale oo jirta inuu Ingiriisku dareen ka qaatay halgankii dheeraa ee Daraawiisheed oo taariikhda Somaliland baal dahab ah kaga jirta iyo Soomaalida kaleba.

Waxaa kale oo uu dalku soo maray halgamo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasi oo xornimo doon oo socday ilaa 1960.

June 26,1960kii Imb/ Ingiriiska ayeynu ka qaadnay xornimo shan maalmood kadib oo ah first July 1960, oo koonfuri ka xorowday Gumaysigii Talyaaniga ayeynu la midownay reer koonfureedka, waxay noqotay Jamhuurada Soomaaliya, inkasta oo talada Midowga labada gobol ay sabab sanaysey inta badan inuu is jecayl iyo isu hilow guud oo Soomaalidu xiligaa isku qabtay, hadana taladaasi xageena waxay ahayd mid aan laga buuxsan oo ugu yaraan waxay ahayd inagaa dawlad ahayne oo calanka ka hor qaadanaye halka aynu ugu guurnay. In ay iyagu inoo soo guuraan, waxaana la aaminsan yahay qaloocuba inuu 1960 ka soo bilaabmay, inqilaabkii saraakiishii reer waqooyiga ee 1962 dhicisoobayna sabab baa keenaysay baa la aaminsan yahay.

Si kastaba ha ahaatee xukumadihii soo maray Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa u muddo dheerayd tii 21 octeber 1969 kii Inqilaabka ku qabsadeen kooxdii Maxamed Siyaad Barre.

Dhab ahaan wakhtigii hore taliskii Meletarigu waxay dalka u horseedeen waxoogaa hore mar ah, shanta Soomaaliyina way iskugu timid dadkuna iskood bay wax u qabsadeen, hase yeeshee wixii ka dambeeyey dagaalkii Soomaalidu la gashay taliskii Mingeste Xayla Maryan ee Ethiopia 1977, dalku hoos bay u foorarsaday waxaa dalka ka dhacay waxaan la qiyaasi karin, laga soo bilaabo inqilaabkii fashilmay ee Cirro abuuray, jabhadihii si ay u helaan cududa shacabka caadifi qabiil bay dadka wax ugu shageegayeen, sidoo kale hab qabyaaladeed bay taliskii dalka ka talinayey cududa shacabka ugu difaac galay.

Dhanka kalana uma roonaan wixii la la ahaa iyo milgihii islaamnimana meesha way ka baxeen, dagaal sokeeye ayaa meel walba ka qarxay, aakhirkiina bilowgii 1991 ayey burburtay taliskii dalka ka talinayey iyo guud ahaan dawladii waqooyiga iyo koonfurtu ku midoobeen, haseyeeshee isla sanadkaa 1991 ayaa ururkii SNM ku dhawaaqay Somaliland in ay dib uga go’day Soomaaliya oo ay tahay dal ka madaxbanaan oo aqoonsi u baahan.

Dagaalo habar habar ah ayaa baa beelihii SNM dhexdooda ka dhacay, dadaalo nabad raadineed iyo dib u heshiisiin dabadeed, waxaa qabyo iyo gobolo badan oo ka mid ah Somaliland ka hir galay maamul iyo nabad, oo amaan badan lagaga helay qaybo caalamka ah, inkasta oo aan wali la urin wax aqoonsi ah, xataa markii aad loogu dhawaaday nidaamka dimuqraadiga iyo doorashooyinka iyo Axsaabta, laakiin bulshada degta Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle ayaa wali aanu jirin wax maamula oo gaadhay amaba si toos ah uga soo horjeeda maamulka iyo goosashadaba.

Lama dafiri karo in haykal Dawladnimo ee golayaasha ay ka dhexmuuqdaan xubno badan oo ka soo jeeda deegaanadaa, hase yeeshee hab shakhsinimo mooyaana hab beeleed kuma joogaan , waayo haddii ay hab beeleed ku joogilahaayeen Somaliland yoocada iyo ceelaayo baa calanka laga taagi lahaa, sidaa darteed baa dalka ictiraafka iyo aqoonsiga loo raadinayaa u ahayn mid midaysan xag shacab iyo xag dhulba.

Waxaase aad loogu qosla ah iyadoo ay dalka ka jiraan:
1. Abaar iyo biyo la’aan baahsan oo dadku mood iyo noolba ku caydhoobeen.
2. Sixir barar meceeshadii iyo noloshii dadku goyn waayeen.
3. iyo abaabulo dagaal iyo saan saan colaadeed oo deegaamo badan oo Somaliland ah laga waddo, qodobada iyo kuwa kale oo bulshada aafo ku ah oo dalka ka jira in siyaasiyiintii iyo madaxdii dalku isku haystaan kuraasta iyo talada dalka.
Su’aal baana ah cida laga dhawrsanayaa ma ilaahay iyo Rasuulkiisaa ( csws) iyo umadan dhibaataysan baa mise waa Reer Galbeedka iyo deeq bixiyayaashan ina aqoonsan waayey baa ?
Hadaba anagoo qayb ka ah bulshada degta deegaanada sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle ahna muwaadiniin u dhashay Somaliland, isla markaana taageersan midnimada dalka iyo wada jirka bulshada Somaliland oo dhan iyo toosinta siyaasada dalka oo waliba aad u jecel nabad gelyada guud ahaan caalamka gaar ahaana Geeska afrika, waxaanu leenahay Jamhuuriyada Somaliland haday tahay tii 26 juun 1960 kii xornimada ka qaadanay imbiridooriyadii Ingiriiska ee Beelaha wada degani ay ka dhexeysay hogaankiisa iyo taladiisu ayaan waxaan noo cuntamayn.
1. in ictiraafka la raadiyo iyadoo si buuxda oo xalaal ah loo raadin midnimada iyo wada jirka Beelaha Somaliland wada dega.
2. in wax caadi ah loo arko doorashooyinka dalku inay ahaadaan kuwo dalka qaybna ka qabsooma qaybna ayna ka hirgelin isla markaana Somaliland lawada ahaado.
3. in distoorku jideeyo asxaabta qaranku waa sadex iyadoo aysan muuqan boosas uga banaan bulshada ku dhaqan ama degta deegaanadaasi sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
4. noo cuntami mayso halgankii SNM mudnaan gaar ah ayuu leeyahay, halgankii dheeraa ee daraawiisheed iyo halgamadii siyaasiga ahaa ee loo soo maray xornimada dalkuna xus ma leh.
5. noo cuntami mayso in qiimeynta muwaadinka u dhashay Somaliland lagu saleeyo SNM ma ka qayb galay iyo faqash buu ku jiray, IWM.
6. inooma cuntanto in qaarka mid ah siyaasiyiiinta iyo madaxda qaranku warbaahinta ka sii daayaan ama ku qoraan aflagaadooyin iyo hadalo dhiif leh oo shacabka walaalaha ah cilad iyo cuqdad ka dhex abuuri kara, ama aan istaahilin xasanada madaxnimo ama siyaasi qaran.
7. inooma cuntanto siyaasiyiinta yo xubnaha golayaasha qaranka kaga jira deegaanada Sool, Sanaag bari iyo buuhoodle inay fadhiid ka noqdaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo talada hogaamineed ee wadanka.
8. raali kuma nihin in dalka midnimadiisa iyo wada jirkiisa lagu raadiyo si xoog iyo awood ciidan ah, iyadoo xalka midnimadeena ku dhamaan karto hab wada hadal oo geed hoostii lagu gorfeeyo.
9. sida aanu aaminsanahay dhulkani waa mid muqadas ah shacabkiisuna 100% muslim yahay abka ab, sidaa darteed Dimuqraadiyada reer galbeedku yaanay ka muuq weynaan dhaqankii iyo nidaamkii samaawiga ahaa ee rabi inooga soo dhiibay rasuulk ( CSWS) ee sharafta badnaa.

Walaalayaal qodobadan iyo kuwo badan oo aanan jeclaysan in hoos loogu daadago xilligan ayaan noogu muuqan kuwo dhalin kara midnimo wada jir, horumar iyo aqoonsi Qaran.

Gabagabadii ma garan karo wax ka wacan midnimada iyo wada jirka dhamays ah oo aynu yeelano isla markaana u gurmano horumar gayigeen xataa haddii aan caalamku ina aqoonsan waayo, waxaa ina aqoonsan doono ilaahay awooda badan, walaalayaal waxaanu idinla socod siinaynaa haddii iyadoo si xalaal ah fadhiga looga kicin oo loo raadin midnimada iyo wada jirka umadan lagu degdego ama laysku dayo doorashooyin aan guud ahaan dalka ka wada qabsoomin inay iman doonto in aanu gaadhsiin doono.
Ururka qaramada midoobay, Midowga Africa, midowga yurub, dawlada maraykanka, wadamada islaamka, kuwa jaamacada carabta, iyo ururada deeq bixiyeyaasha iyo guud ahaan beesha caalamka inaanan somaliland ka mid ahayn oo aanu gaar ka nahay isla markaana aan ciddi na sheegan karin, hadaanu nahay shacabka ku dhaqan deegaamada sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle.

Walaalayaal waxaanu ka rajaynaynaa muwaadin kasta oo indheer garada oo jecel midnimada wada jirka iyo qaranimada Somaliland inuu say tahay u fahmi doono u jeedadayda isla markaana aanu dhayalsan doonin waad mahadsan tihiin.
Daraawiishta qortay qoraalkan.
1. Dar: Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud Xoosh.
2. Dar: carab qaydhan warsame dheeg.
 

 


  “Komishankani Maaha Kuwo Doorasho Qaban Kara, Oo Leh Hogaamin”
Gud. Kuxigeenka 2aad ee Wakiilada Somaliland

Hargeysa, May 6, 2008 (Haatuf/HWN) – Gudoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuummadda iyo Axsaabta Mucaaridka ee ka dhashay muddo kordhinta halka sanno ah ee ay Golaha Guurtidu u kordhiyeen Madaxweyne Riyaale, waxaanu sheegay inay khasab tahay inay labada dhinacba la yimaadaan tanaasul, gaar ahaana ay xukuumaddu la timaado.

Md. Baashe waxa uu ku sifeeyey Komishanka doorashooyinka Qaranku inaanay ahayn kuwo wax hogaamin kara oo umuurahooda qarsan kara, isla markaana wuxuu xusay in haddii la doonayo inay dalka doorasho ka dhacdo ay ahayd in guddidii hore ee doorashooyinka badhna la bedelo badhna la qaato.

Sidaa waxa uu ku sheegay Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax wareysi kooban oo uu xalay khadka telefoonka ku siiyay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com.

Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladu isaga oo ka hadlayey guddida doorashooyinka iyo muranka ka dhex taagan waxa uu yidhi “Komishankani maaha mid doorasho qaban kara, oo waatan maalin walba khilaafaad ka dhex jiro, hadda laba ayey marayaan [Komishanka] in ka tagtay, midna wuu iska maqan yahay, markaa u maleynmaayo mid leh hogaamin oo waxooda qarsan kara. Markaa haddii mar khilaaf bilaabmayna iyada oo aan la gaadhin doorasho berina natiijo kumaba dhawaaqi karaan sida ay imika u socdaan.”

Gudoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilladu waxa uu ku dooday inaanay dalka diwaan-gelin ka dhici karin. “Anigu maba qabo inay diwaan-gelini dhacayso, iska daa sanadkan [2008] ee laba sanadood oo dambe diwaangelini ma dhacayso. Haddii la doonayo in diwaan-gelin iyo doorasho la sameeyo toddobadii hore [Komishanka] ayaa qaarna la bedeli lahaa qaarna la deyn lahaa, markaa waxaa loogu talagalay inay niman cusubi yimaadaan oo ay sidaa isku dhex-yaacdo, markaa waa ujeedo la doonayo inaanay dalka doorasho ka dhicin.”

Baashe Maxamed Faarax waxa uu ka hadlay khilaafka cakiran ee u dhexeeya Xukuumadda iyo axsaabta mucaaridka, waxaanu sheegay inay labada dhinacba Xukuummadda iyo Mucaaridku khasab ku tahay inay tanaasul la yimaadaan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi: “Haday Xisbiyadii yidhaahdeen aqoonsanmeyno 15 May Madaxweynanimada Rayaale waa inuu tanaasulku labada dhinacba ka yimaado, gaar ahaan haddii aanay Xukuummadu tanaasuleyn qofka banaanka jooga ee kursidoonka hadii aanad tanaasuleyn la yidhaahdo waxbaa dhacaya maahe nin walba tanaasul ayey khasab ku tahay. Markaa Xukuummada ayey masuuliyadu saaran tahay inay iyadu tanaasul sameyso.”

Gudoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilladu mar uu ka hadlayey aragtidiisa ku aadan is-casilaada Gudoomiye ku-xigeenkii gudida doorashooyinka qaranka waxa uu yidhi “Mar haddii uu is-casilay [Xubintii Xisbiga KULMIYE Komishanku] khasab waxay noqonaysaa in la keeno xubin kale oo lagu soo bedelo, markaa Xisbigu wuu ka tashanayaa cidda uu ku bedelayo Xubintiisa. Waxa nasiibdaro ah iyada oo aanay doorashaba dhicin in sidaa la isku qabqabsado”.
 

 


 Wasiirka Maaliyadda Oo Maanta Wakiilada Hor Geyn Doona Miisaaniyadda 2008


“Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Guurtida muddadii sharciyadu way ka dhamaatay, mana haboona in bulaacada inala dumaysa aynu sii dul fadhino” Md Qabile

“Waa in goluhu go’aan ka soo saaro Caruurta sida Falastiin loo laynayo” Md. Nacnac.

Hargeysa, May 6, 2008 (Haatuf) – Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale ayaa fadhiga maanta ee golaha Wakiilada horkeeni doona miisaaniyada 2008, taas oo gudoomiyaha golaha wakiiladu Md C/raxmaan Ciro, fadhigii shalay si rasmiya uga sheegay, iyadoo mudaneyaasha wakiiladuna doodii Ajandaha kalfadhiga aan caadiga ahayn ku soo gaba gabeeyey doodo kul-kulul oo ay xukuumadda ku weerareen dhacdooyinkii mudaharaadka caasimadda ee dhawaan dadka shicibka ah lagu laayey iyo khilaafka cakiran ee dalka ka taagan.

Gudoomiyaha wakiilada Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro oo fadhigii shalay gudoominayey, ayaa laba gudi u kala magacaabay, daraasaynta xeer hoosaadka iyo xal u helida khilaafyada golaha dhex yimaada, waxaana fadhigaasi ku magacaabay gudida qiimaynta xeer hoosaadka golaha oo ka kooban. Maxamed Saalax Cige, C/raxmaan Cismaan Caalin, Maxamed Xaaji Xuseen, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xuseen Maxamed Cige, Cali Yuusuf Axmed. Gudida xal u helida khilaafyada golaha ka dhex aloosma loo saaray oo intooda badani yihiin gudida joogtada iyo anshaxa oo ka kooban 5 xubnood waxay kala yihiin. Maxamed Cumar Jiir, Maxamed Barkhad Miigane, Ibraahim Axmed Haybe, Cali Xaaji Maxamed, Axmed Cabdi Siciid. Intaa ka dib waxa uu goluhu fadhigiisaa ku sii ambaqaaday doodii Ajandaha kalfadhiga aan caadiga ahayn oo ay mudaneyaashu dood xasaasiya kaga dhiibteen xaalada guud iyo khilaafyada siyaasiga ah ee wakhtigan xaadirka ah ka dhex oogan Xukuumada iyo Asxaabta Mucaaridka, waxaanay mudanayaashii madasha fadhiga doodahooga ka dhiibtay ay iskaga aragti ahaayeen in xaalada guud ee dalka qiimayn lagu sameeyo goluhuna mawqif cad ka istaago iyagoo meeshana ka saaray in goluhu kaga mashquulo xaaladaha gudihiisa, waaney soojeedimaha doodahooga kaga dhawaajinayeen dadkii ciidamada boolisku ku laayeen dhacdadii mudaharaadka todobaadkii hore ka dhacay caasimada iyo in loo yeedho wasiirka daakhiliga waxna laga waydiiyo dhacdadaasi.

Md. Maxamed Faarax Qabile oo isagu ka mid ahaa mudaneyaashii madasha fadhiga doodahooda ka dhiibtay ayaa si adag uga hadlay xaalada uu dalku marayo oo uu ku tilmaamay xaalada burbur horseedi karta, waxaanuu yidhi “wadankan waxaa ka lumay sharciyadii uu golahani u igmanaa, waxaan soo jeedin lahaa in Ajandaha lagu koobo qiimaynta xaalada uu dalku marayo, mana aha inagu dul fadhino bulaacad inala dumaysa, dalkuna waxa uu marayaa xaalad halisa oo uu qarka usaaranyahay burbur, mudadii sharciyadu way ka dhamaatay madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo golaha guurtidaba, golaha kaliya ee mudadii sharciyadiisu aaney dhamaanin ee sharciga ahi waa goleheena la soo doortay, gudoomiyahana waxaan leeyahay dhex dhexaadintaadu yaanay sidii gudiyadii turxaanbixinta ee sheekh guuldaraysani soo gaabi, hana noqon jambarleinka ingiriiska eek u fashilmay muslixii Hitler waxaanan jecelahay in aad gudoomiye noqoto Chartiilkii Europe ee ka badbaadiyay masiibadii Dictaytarka, dadkii lagu laayey dhacdadii mudaharaadka ahayd ee caasimada ka dhacayna waa in goluhu qaraar la xisaabtana xukuumada kala yeeshaa sababaha keenay in shicibka layska laayo.”

Maxamed Diiriye Nacnac ayaa isaguna ku dooday in wasiirka Arimaha Gudaha loo yeedho waxnalaga waydiiyo dhalinyaradii mudaharaaday ee layska laayey “waxaan soo jeedinayaa in wasiirka arimaha gudaha loo yeedho waxna laga waydiiyo dadkii mudaharaaday ee sidii caruurta falastiiniyiinta loo laynayo taasoo maamulka maanta joogaa uu caadaystay iyadoo Distoorka Qarankuna dadweynaha xaq u siiyay in mudaharaadyo salmiya ay rabitaankooda ku cabiraan, waxaa kale oo aan soo jeedinayaa in xaalada uu maanta dalku marayo aynu dood ka yeelano gudoomiyuhuna dhex dhexaadinta aynu u igmanay waa inuu si dhakhso ah inoogu keeno jawaab sugan, miisaaniyadana waa in aynu si balaadhan uga doodno kana eegno iney ku jirto mushahar kordhin ciidamada iyo shaqaalaha oo uu saameeyey Sicir bararku, Cashuurta lagu kordhiyey badeecadaha soo dagayana waa in laga dhaafo, quutal daruuriga oo lagu kordhiyo, waxyaalaha faakahaysiga ah”.

Md. Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, ayaa isaguna ku dooday in goluhu qaraar kasoo saaro dadkii ku naf waayey dhacdadii mudaharaadka ahayd, siina jeediyey in wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka booliska goluhu u yeedho waxna laga waydiiyo shaqaaqadii dhacday iyo dadkii sababay falkii lagu laayey dadweynaha mudaharaadayey.

Md. Faarax Maxamed C/laahi ayaa isaguna ku dooday in gudoomiyuhu soo afjaro dhex dhaxaadinta uu ka dhex wado xukuumada iyo asxaabta mucaaridka, si goluhu qaraarka kaga beegan khilaafka taagan go’aan uga soo saaro.

Gunaanadii dooda Ajandaha kalfadhiga ayuu Gudoomiyuhu ka sheegay in doodii ajanduhu soo gaba gabawday, isagoo fadhigaana ka sheegay in wasiirka maaliyadu fadhiga maanta golaha hor keeni doono miisaaniyadii 2008.
 

Top