Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 382 July 25, 2003

Camuud: Ardaydii U Horaysay Ee Jaamacadda Ka Qalin-Jebisa Iyo Xafladdii La Isku Arkay.

“Maanta Reer Awdalow Xil Dheeraadaa Idin Saaran, Aduunyadana Taariikh Baa Ka Hadha,” Madaxweyne Ku Xigeenka.

“Dhinaca Nabadgelyada Waxa Noogu Daran Qori, Khamri Iyo Gaadhi Wada Socda,” Taliyaha Qaybta Booliska Burco.

Yaa Caawinaya Ilme Dhibaataysan?

Iftiinka islaamka: Maxaynu Wax U Qaban La’ nahay? Siciid I. Guraase.

Ha Iman Lahaydaa! Q:4aad – Maxamed Daahir Afrax.

Australia Oo Ciidamo Nabad-Ilaalin Ah U Daad-Guraysay Jasiirada Salamon.

Dawladda Maraykanka Oo Soo Bandhigtay Sawiro Ay Markhaati Uga Dhigayso Dilka Cuday Iyo Qusay.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Kuwama Ayay Ahaayeen Cuday Iyo Qusay?

Dadow Sharciga Haloo Hoggaansamo, Othman Asheikh Issa.

Hala Daad-Gureeyo Ma Hanti baa?

Dhidar Dad Cun Ah Oo Shan Qof Ku Dhaawacay Deegaanka Caynabo

Dhaqankeenii Ma Sidaasuu Ku Dambeeyay?

 


Camuud: Ardaydii U Horaysay Ee Jaamacadda Ka Qalin-Jebisa Iyo Xafladdii La Isku Arkay

Boorama (Haatuf): 32 arday oo ah dafcaddii u horeysay ee ka qalin jabisa Jaamacadda Camuud ayaa maalintii doraad shahaadooyin la gudoonsiiyey.

Xaflad balaadhan oo lagu maamusayey ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda Camuud ayaa arbacadii lagu qabtay, 4.5 Km dhinaca bari ka xigta magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal, taas oo ay ka qayb galeen masuuliyiin sar-sare, oo ka tirsan golayaasha qaranka oo ay ka mid yihiin madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, gudoomiyaha golaha guurtida Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar, Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbigaas, madaxda Jaamacadda, macalimiinta iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid gobolada dalka.

Munaasibadaa waxa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha Jaamacadda Profesor Saleebaan Axmed Guuleed, oo ka waramay marxaladihii ay soo martay Jaamacaddu iyo halka ay haatan marayso.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf oo isna halkaa hadlay ayaa sheegay in xukuumaddu laban laabi doonto taakulaynta ay u fidiso jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud, isaga oo u mahad celiyey gabadh cad oo macalimad ka ah oo uu sheegay inay isagana macalimadiisii tahay.
Madaxweyne ku xigeenku isaga oo kaftamaya waxa uu yidhi “Inkasta oo la ii yaqaano wadaad aan heesaha dhegeysan haddana, waxaan ugu jecelahay heesta tidhaa “Waa mahad allee madaxeen banaan” isaga oo heestaa madaxweyne ku xigeenku ku luuqeeyey.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay gudoomiyaha Guurtida Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, oo ka mid ah macalimiinta Jaamacadda Camuud, kuwaas oo la dardaarmay ardayda qalin jabisay, Abwaanku waxa uu sheegay inuu si gaar ah guru faraxsanyhaya ardayda qalin jabisay, “Ma cabiri karo farxada maanta, waxaanse quudhi la’ahay ardaydii aan jeclaa, ee aanu is-xiisayn jirnay, inaanu kala tagno, haddana waxaan ku faraxsanahay in ubaxii aan ku tabcaynay soo baxay” sidaa waxa yidhi Abwaan Gaariye oo cabiraya sida uu arko ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda.

Abwaan Gaariye waxa uu la dardaarmay ardayda qalin jabisay, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waad aragtaan oo halkan waxa fadhiya dawladdii, xisbiyaddii, iyo dhamaanba dadkii siyaasadda ku kala qaybsanaa, markaa idinku waxa tihiin kuwa ay ku heshiiska ku wada yihiin xisbiyadaasi”. Balse gudoomiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka ee KULMIYE Axmed Siilaanyo, oo ka mid ah marti sharafta ayaa dalbaday inuu ku hadlo magaca arday ka mid ah ardaydii ka qalin jabisay Dugsigii Camuud 1957-kii, ayaan ogolaansho ka helin xidhiidhiyihii xafladda, taas oo aanay cadeyn sababta ay ku dhacday arrintaasi.

Jaamacadda Camuud oo fikradda aasaaskeedu bilaabmay 1996-kii waxa la furay 1998-kii, iyada oo lagu bilaabay 96 arday oo galay kuliyadda maamulka iyo maareynta, kuwaas oo haatan u badan 32-ka arday ee ka qalin jabiyey Jaamacadda, oo ay 25 ka mid ahi yihiin kuliyaddaas, halka ay 7-da kalena ay ka baxeen kuliyadda waxbarashada.

Ardayda qalin jabisay oo xidhan direys madaw iyo walaayadda (koofiyadda) qalin jabinta ee madaxa loo saaro, ayaa waalidiinta iyo asaxaabtoodu aad ugu hambalyeeyey oo jawi farxad leh ku fooladeeyey, ardaydaas oo ay ku jiraan laba hablood oo kaliya waxay muddo afar sano ah wax ku baranayeen Jaamacadda Camuud.

Ifraax Maxamed Cabdi (Galbeedi) oo ka mid ah labada hablood ee qalin jabiyey oo waraysi kooban siisay wargeyska Haatuf ayaa tidhi “Ma jirto maalin aan ka farxad badanahay, waxay iila muuqataa sidii markaan ifka u soo baxay oo kale”.

Ifraax oo aanu weydiinay mustaqbalka shaqada ay doonayso inay qabato, waxay tidhi “Waxaan doonayaa in cilmigan aan bartay dalkayga uga faa’iideeyo, waxaanan doonayaa inaan Jaamacaddan Camuud macalimad ka noqdo”.

Sidoo kale wasiirka qoyska Faadumo Suudi Xasan oo ka mid ahayd dadkii xafladdaa ka soo qayb galay ayaa u fooladaysay labadaa hablood ee ku jiray ardayda qalin jabisay, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah ardayda, in tirada habluhu ay bilawgii inta ka badnaayeen, oo ilaa 9 hablood ahaayeen balse labadan maahee kuwii ay noqdeen qaar rag qurbaha ka yimid ay gursadeen.

Top


“Maanta Reer Awdalow Xil Dheeraadaa Idin Saaran, Aduunyadana Taariikh Baa Ka Hadha,” Madaxweyne Ku Xigeenka.

“Qaranka Waa La Wada Leeyahay, Kooxina Sida Ay Doonto Uguma Tasarufi Karto.”

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Meel Fagaare Ah Kala Hadlay Dadweynaha Reer Boorama

Boorama (Haatuf): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa shalay meel fagaare ah kala hadlay dadka reer Boorama, wuxuuna dadweynaha reer Awdal u sheegay bushaarooyin wax qabad, taas oo uu sheegay inay dawladdiisu ku talo jirto inay wax ka qabato, Laakiin sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay hogaamiyayaasha dhaqanka iyo duqeyda reer Boorama, iyaga oo tilmaamo ka bixiyey baahiyahooda ama waxyaalaha ay doonayaan in la qabto.

Sidoo kale waxa iyana halkaa ka hadlay qaar ka tirsan madaxda maamulka Boorama, kuwaas oo ka waramay duruufaha gobolka.

Maayarka Boorama waxa ereyadii uu isu soo baxaa ka yidhi ka mid ahaa, “Waxaanu haatan ku mashquulsanahay sidii aanu wax uga qaban lahayn dhibaatadda deegaanka iyo xaalufka, sidaa darteed waxaanu xukuumadda ka doonaynaa cunto lagu shaqeeyo (food for work) si aanu hawsha u wadno”.

Sidoo kale badhasaabka gobolka Awdal ayaa isna halkaa ka hadlay wuxuuna yidhi “Gobolka roobku waa ka da’aa, laakiin wax soo saarku wuu nagu yaryahay, wax dhibaatooyin ah oo kalena nama haystaan, waxaase jira dhalinyaro budhadh iyo faashash isku laysa, dhaqanka noocaas ahna maynu arag, oo waxaad moodaa sidii Zuluuga koonfurta Afrika, sidaa darteed, waxaanu waalidiinta ka dalbanaynaa, inay ubadkooda celiyaan”.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay qaar ka tirsan hogaamiyayaasha dhaqanka iyo duqeyda reer Boorama, waxaana ka mid ahaa raggii halkaa ka hadlay Caaqil C/laahi Diiriye oo yidhi “Waxaanu doonaynaa dawladd tayo leh, laakiin ma doonayno in reer ahaan loogu buuxiyo Dawladda mansabyadeeda, ee waxaanu u baahanahay dawlad wax qabad leh, oo tayo leh, markaa fariintaa naga gaadhsii madaxweynaha”.

Daheeye Jaamac oo ka mid ah odayaasha reer Boorama ayaa yidhi “Dawladdii iyo hay’adihii caalamkuba Hargeysa ayey iskugu tageen, oo halkan waa laga wada raray, sidaa darteed waxaanu doonaynaa saamigayagii, anaga oo codsanayna in qaybtayada nala siiyo”.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa isna yidhi, “ gobolku wuxuu ku jiraa go ‘doon dhinaca jidadka oo la iskuma gudbi karo, sidaa darteed waxaanu doonaynaa in jidadka wax nalooga qabto.”

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu halkaa ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan leh, wuxuuna ugu horeyn yidhi, “Maanta waa ii maalin weyn, sababta oo ah intii aan xilkan qabtay waa markii u horeysay ee aan idin kala hadlo kheyriyadda Boorama”.

Madaxweyne ku xigeenka oo doraad gaadhay magaalada Boorama waxa uu ka qayb galay xaflad qalin jabin ah oo ka dhacday xarunta Jaamacadda Camuud, taas oo ay dafcadii ugu horeysay ee ardayda halkaa wax ka barata qalin jabisay, ka dibna loo sameeyey xaflad balaadhan oo qalin jabin ah, sidaa darteed madaxweyne ku xigeenku wuxuu khudbadiisii shalay kaga hadlay muhiimadda ay leedahay Jaamacadda Camuud, isaga oo yidhi “Jaamacadda Camuud sharaf bay u tahay wadanka Somaliland, sharaf gaar ahna waxay u tahay gobolka Awdal ee ay ka dhex iftiimayso, laakiin Boorama waxay hore u qaadatay biladii nabadaynta beelihii xurguftu dhexmartay, waayo waxay ahayd beeshii ugu horeysay ee timid Berbera, iyaga oo u soo kicitimay inay dhex-dhexaadiyaan beelihii halkaa isku dilayey, sidoo kale 1993-kii waxay gogosha u fidiyeen beelihii Somaliland oo shir halkan uga socday shan bilood, shirkaas oo guul weyn laga gaadhay, maantana koobkii u horeeyey ee Jaamiciyiin dalka ka soo baxda idinkaa qaatay”.

Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo uu ka hadlay duruufaha kale ee wadanka ka jira iyo waxyaalaha loo baahan yahay, isaga oo tilmaamo ka bixiyey sida loogu baahan yahay isku duubni iyo is-xaq dhawr in wax lagu qabsado, wuxuuna yidhi “Marka ay unkamaan jiraan fiican oo is garabsada, dad xumi ma soo dhex geli karo, laakiin haddii jiraanku kala daadsan yahay faa’iidada ka dhalataa waxa weeye dhalinyaradii oo shuftowda, oo habeenkii suuqa dadka ku baadha, oo iyagu suuqa isku weerara, iyaga oo gaadho heer ilaa kufsi iyo mukhaadaraad, arrimahaasina waa aafo ka soo shaac-baxday wadan boqolkiiba boqol muslim sheeganaya, markaa maanta dawlad iyo shiciba waxa loo baahan yahay in aafaddaa wax laga qabto, malaha dhalinyaradeenu waxay qaafil ka yihiin inuu jiro dilaa qarsoon oo la yidhaa HIV/AIDS, kaas oo jiilal malaayiin ah meesha ka saaray, ilaa haddana dawo loo la’yahay, balse dawadiisa kaliya waa fawaaxishka oo laga fogaado”.

Waxa kale oo uu madaxweyne ku xigeenku waxqabadka xukuumadiisa, ee shanta sano ee soo socda, laakiin waxa uu iyadana wax ka xusay doorashooyinkii iyo sida ay u dhaceen, wuxuuna yidhi “Raggu waa tartamaa, tartankana cid uunbaa hesha, kuwa tartamayaana iskama tartamaan ee dan qaran baa ka dhaxaysa oo mid waliba wuxuu leeyahay anigaa kaaga wanaagsan guri dhiska iyo anigaa kaaga wanaagsan ee aan anigu dhiso, dabadeedna shicibka food ku kala saara, ka dibna kii helay, markuu dhismihii bilaabo ka waayeyna wuu ag-joogaa, oo wuxuu yidhaahdaa gurigu halkaasuu ka qaloocdee halkaa ka toosi, dawladduna waa guri la wada leeyahay, shicibkana waxaan dareensiinayaa in qarankana la wada leeyahay, oo aanay kooxi sida ay doonto ugu tasarufi Karin”.

Intaa ka dib madaxweyne ku xigeenku waxa uu wax ka taa-taabtay waxqabadka xukuumadiisa, isaga oo yidhi “Xisbiyadu markay tartanka ku jireen waxay qoreen qoraalo dhaadheer oo si fiican loo soo habeeyey, si ay umadda u soo jiitaan, oo doorashada ugu guulaystaan, laakiin anigu waxaan tagay bari, ummaddana waxaan ku lahaa laba erey oo gaaban, oo ah haddii Ilaahay ina karsiiyo waanu qaban, iyo Ilaahaw ma kari karnee na karsii, anagu xukuumad ahaan waxaanu indhaha ku haynaa biyaha badan ee badda gelaya in la qabto, marka la qabtana, waxay suura gelinayaan, dadku inuu dego, nabaad guurkii dhulka oo yaraada iyo biyo la’aantii oo meesha ka baxda, marka dadku degana horumarkaa bilaabma, anagu haddii aanu nahay maamulka imika talada haya, anaga oo Ilaahay la kaashanayna, waxaanu niyadda ku haynaa, inaanu dhisno wadooyinka dalka, oo ah laf-dhabarka horumarka dalka”.

Madaxweyne ku xigeenku isaga oo la hadlaya nimanka maalqabeenada ah waxa uu yidhi “waar nimanka hantiilayaasha ahaw, wadanka maal-geliya, inta aad bacaha soo waaridaysaan, ta kale waa in xal loo helo malaayiinka dollar ee jaadka inagaga baxa wixii aynu ku soo bedeli lahayn, masalan Saylac iyo Lawyacaddo waxa u dhaxaysa Tokhoshi oo ah hoygii milixda, markaa maxaa inoo diiday in si fiican loo maal-geliyo dabadeedna Itoobiya loo diro,”.

ugu dambayn madaxweyne ku xigeenku waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey oo uu yidhi “Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa, maanta haddii aad tihiin reer Awdal waxa idin saaran xil dheeraad ah, waar guntiga dhiisha iskaga dhiga, adduunyadana waxaa ka hadha waa taariikh”.

Madaxweyne ku xigeenku shalay ayuu dib ugu soo laabtay magaaladda Hargeysa, ka dib markii uu soo dhamaystay safarkii uu ku tagay magaalada Boorama.

Top


“Dhinaca Nabadgelyada Waxa Noogu Daran Qori, Khamri Iyo Gaadhi Wada Socda,” Taliyaha Qaybta Booliska Burco.

Burco (Haatuf): “Direys la’aan iyo gaadiidka oo jilicsan ayaa ka mid ah dhibaatooyinka na haysta” sidaa waxa yidhi taliyaha qaybta Booliska Burco Cabdi Ibraahim-Dib-U-Dhace oo ka waramaya xaaladda booliska Burco.

Marka laga hadlayo xaaladda nabadgelyo ee magaalada Burco waxay dadka reer Burco farta ku fiiqaan ciidanka booliska, taas oo ay ku dhaliilaan dhinaca kartidiisa hawlqabad, laakiin waxaa jira duruufo haysta ciidanka booliska Burco, taas oo qayb ka ah karti darrada lagu dhaliilayo.

A. Ducaale oo dhawaan socdaal ku tagay magaalada Burco ayaa taliyaha qaybta booliska Cabdi Ibraahim kala sheekaystay xaaladda booliska, iyada oo uu Cabdi Ibraahim xilkan hayey muddo ilaa 3 bilood ah, laakiin Cabdi Ibraahim inkasta oo uu si taxadar leh uga jawaabayey su’aalaha qaarkood haddana waxa uu carabka ku dhuftay duruufaha haysta ciidankiisa.

“Duruufaha guud waxaanu la qabnaa booliska dalka” ayuu yidhi taliyaha qaybta booliska Burco, laakiin wuxuu difaacay tayo xumada ay ciidankiisa dadka qaar ku dhaliilaan, isaga oo yidhi “Runtii tayada ciidanku ma xuma”.

Sidoo kale Cabdi isaga oo ka waramaya waxyaalihii uu ku talaabsaday muddadii 3-da bilood ahayd ee uu xilka taliyaha qaybta hayey wuxuu yidhi “Markii aan imid hal baabuur-baa noo shaqaynayey, haddase ilaa 7 baabuur oo aanu kicinay ayaa noo shaqeeya, waxaana baabuurta qaar noo kiciyey Dawladda dhexe, halka ay qaar kalena noo kiciyeen labada ganacsade ee Dahabshiil iyo Indha Deero, oo aanu taa aad ugaga mahadnaqayn”.

Taliye Cabdi isaga oo ka waramaya waxyaalaha ugu daran dhinaca nabadgelyada wuxuu yidhi “Duruufta ugu ee dhinaca nabadgelyadu waxa weeye saddex wax oo wada socda, kuwaas oo kala ah, qori, khamri iyo gaadhi wada socda, taas oo intii aan joogay ay sababteeda nagaga dhaawacantay ilaa laba askari iyo laba nin oo shicib ah, oo midna dhintay midna dhaawac yahay, waxaan imid iyada oo khamriga shaaracyada lagu iibiyo, laakiin taa hadda waanu yaraynay”.

Taliye Cabdi isaga oo ka waramaya baahiyaha ama duruufaha ku xeeran xaaladda ciidankiisa, waxa uu yidhi “Direys la’aan iyo gaadiidka oo naga jilicsan ayaa ka mid ah duruufaha na haysta”, laakiin wuxuu intaa ku daray “masalan marka aanu doonayno meel nabadgelyo darro xumi ka jirto u gurmano, ama hawlgal ugu baxno waxyaalaha noogu daran waxa ka mid ah shidaalka,” Cabdi Ibraahim markuu ka hadlayay dhinaca nabadgelyada waxa uu ku celceliyey dhibaatada khamrigu ku hayo saamaynta nabadgelyada, isla markaana waxa uu dadka reer Burco ka codsaday inay ciidanka booliska gacan ka siiyaan adeegyada dhinaca nabadgelyada wuxuuna yidhi “waxa laga yaabaa in Khamriga meel kasta lagu cabo, laakiin reer Burco waxa u dheer nin khamri cabay oo qori sita, taasna haddii ay reer Burco eegtaan nabadgelyo heli maayaan, isla markaana muwaadinka nabadgelyada ka shaqaynaya taasi dhibaato weyn ayey ku tahay, sidaa darteed waxgaradka, hogaamiyayaasha dhaqanka iyo dadka nabadgelyada jecel waxaan ka codsanayaa inay arrintaa wax ka qabtaan, isla markaana ay gacan siiyaan ragga walaalahood ah ee nabadgelyada ka shaqaynaya”. 

Top


Yaa Caawinaya Ilme Dhibaataysan?

Hargeysa (Haatuf): Barkhad Xasan cali oo ah wiil yar oo 18 bilood (sanad iyo badh) jiray ayaa waxa isku dhegen afka, taas oo aanu kala qaadi Karin, isla markaana aanu awoodi Karin inuu wax cuno ama wax cabo, iyada oo uu ilmahani sidaa ku dhashay.

Laba goor ayaa magaalada Hargeysa la isku dayey in afka loo baneeyo ama la kala saaro, laakiin taasi suurta gal Kama dhigin inuu afka kala qaado.

Labada goor oo qaliin lagu sameeyey mar wuxuu ahaa markii uu dhashay; mar kalena wuxuu ahaa markii uu toban bilood jiray, qaliinkaas waxa ku sameeyey Dr. Saleebaan Cabdi Guuleed.

Weriyayaal Haatuf ka tirsan oo shalay booqday ilmahaa yar oo ay gacanta ku hayaan hooyadii iyo aabihii waxay degen yihiin xaafadda Idaacadda ee magaalada Hargeysa, waana qoys sabool ah oo ku nool makhsin jiingad ah.

Ilmaha yar oo lagu quudiyo sayloon waxay waalidkii sheegeen inaanay xataa u awoodi Karin xabad guluu-koos ah, taas darteed waxay dadweynaha reer Somaliland dibad iyo gudaba ka codsanayaan inay gacan siiyaan, oo ay dar Ilaahay wax ugala qabtaan dhibaataddaa. 

Top


Iftiinka islaamka: Maxaynu Wax U Qaban La’ nahay? Siciid I. Guraase.

Maxaynu Wax U Qaban La’ nahay?

Qorayaasha iyo Turjumayaasha
C/fataax Xasan
Axmed Ismacil (Bucul)
Siciid Cumar Yuusuf
Maxamed Ismacil
Hargeysa Somaliland

1.Caajisnimo iyo wahsi

Nabigu Maxamed (SCW) isagoo ilaahay ka magan gelaya aafada caajiska, wuxuu yidhi “ilaahow waxan kaa magan gelayaa hamiga, muragada, caajisnimada, bakhaylnimada iyo fulaynimada”.

Arintuna waxa iskugu soo aruuraysa in caajisku yahay meesha ay aafadu ka soo fusho, dadku waxay asal u leeyihiin caajiska, dadku markay hawl qaban wayaan in uu yahay mid aan hawsha qaban karayn kaasi waa caajis, inuu yahay mid kara laakiin aan doonayn inuu qabto kana waxa la yidhaa kasal, dadku hadii uu yahay meel ay ka soo fusho arin culaysku keenta mudo horena uu sameyay waxa la yidhaada murugo, hadii uu yahay mid uu ka soo fulay war warkiisu arin iman doona waxa la yidhaada warwar, hamiga iyo murugadu waa halkay ka yimaadan caajis nimada iyo waxa la yidhaado kasal.

Hadaba dadku markuu dareemo Tusaale ahaan in halkaan ay taalo arin hortiisa waajibna ay ku tahay in uu wax ka qabto waxa soo wajiha hami iyo culays iyo argagax taasina waa ta keenta caajis nimada.
Arinta hortaada taala hadii aad tahay qof awood u leh wax ka qabashadeeda ku dhaqaaq markaa halkaad u hayso. Hadii aanad Karin wax ka qabashadeeda ilaahay talo saaro dabadeed ka fakir sided ka yeeli lahayd sidaa ku hawl gal waxaa laga yaabaa in aad gaadho natiijada taasi waa sida aynu uga gudbayno murugada khaladaadka mar hore dhacay hadii aad doonto in aad masaxdo raadkiisa ku dhaqaaq adigoo ogsoon hadii aanad Karin arinta udaa kana fakir wixii kaa anfacaya ilaa aad ka gudubto xayn daabka murugada.
 
ku mashquulida hamiga iyo murugadu waa sawirka ama natiijada caajisnima waana aafada dadka ku keenay inay ka xanibmaan ama uhawl galaan masaaliixdooda aduunyo ama aakhiro tusaale ahaan iyagoo haysta fursado badan ayaanay hadana ku guulaysan inay xaqiijiyaan hadafkooda caajisnimo darteed ama kasal arintanu waa mida aynu si aad ah ugu naqaano nafaheenaama qadiyado xadhiidh la leh.

2. Cabsi laga qabo in lagu fashilmo.

Inta badan mushkiladani waxay ku dhacdaa dadku markay bilaabayaan wax aanay aqoon ulahayn dadka waxuu ka helayaa aragti dhamays tiran markaad doonayso in aad hawl qabato waa laba mid uun in aad ku fashilanto iyo in aad ku guulaysato inta badan maxaa keena fashilaada ?

Maxaad ugu fikiri wayday in aad ku guulaysato?

Qofna lagama yaabo in uu qabto hawl uu kashakisan yahay in uu ku fashilmo waxaa laga yabaa in aad ku dhex nooshahay mujtamac mutacalimiin ah oo soo maray marxalado kala duwan, dugsiyo hoose dhexe iyo kuwa sare, qaarkoodna ay ku gudbeen heer jamacadeed, qaar jamacada ka dhib wax barasho kale ay sii galeen.

Dadkaa qofkasto oo ka mid ihiba wuxuu ku dadaalaya si aanu igu fashilmin wax barashadiisa, ma arkaysid mid ka mid ah ardayda oo ku noqnoqonaya imtixaanada si ay uga badbaado in uu fashilmo, waxa laga yaabaa badh ardayda ka mid ihi in ay ku guulaytaan 1% sidaa darteed wuxuu galayaa imtixaan waxa isaga markaa ku soo hadhaya warqadi imtixaanka isagoo garanaya miyuu khalday iyo miduu saxba.

Ardayda ku guulaysata imtixaanada markay imtixaanka galaan ayaa qiyaastooda waxa ku badan oo ay awooda saran si ayna ugu fashilmin, waxa aan ugu jeeda jirabaada dhamaanteen way ina soo martay haday tahay camal iyo hadaytahay waxbarashoba , waxa ku lamaan oo laga yaaba in lagu gaadho heer fashilaad marka la eego nidaamka wax barasho, sidaa darteed waynu najaxaynaa waana aynu karnaa in aynu ka gudubno marxaladahan.

Qaybo ka mid ah dadka ayaa ku guulaysta noloshaada iyagoo kala gedisan waxa ka mid ah kuwa ganacsato, qoraa iyo abwaano, hadaba fashilaada ayaa ku wayn xagooda aadna ay iskaga ilaalinayaan hadaba markay ku noqnoqdeen jirabaada ayay gaadheen meelo sare.

Inagu maxaynu meel sare aan ku gaadhi waynay?

Iyaguna horemarkan ay ku gaadheen?

Ka fakir adiga oo ku dhaqaaqay dacwada diinta islaamka, masiibada ka wayn maxay tahay hadalkaaga oo socan waaya, hawshii waad samaysayba mase is tidhi waad ku fashilantay, run ahaantii maaha fashilaad laakiin waxa jira in aad doonayso in aad noqoto qof dadka wacyi geliya oo guulaysta dadkuna ay ku sheekaystaan, hadafkaagu ha ahaado in aad dacwada dadka gaadhsiiso ilaahay dartiina aad u shaqayso (SWC) ilaahay isagaa ku xisaabinaya camalkaaga kaana abaal marinaya qadiyada guulaysigu waa mid kale, hadii aad rajaynayso in aad dadka raadku yeelato oo aad waaniso maxaad faa’iiday hadii aan lagu qancinba?
Taa macnaheedu ma aha in aad ku fashilantay? maya maad fashilmin waayo adigu waxaad ogtahay in aad ilaahay agtiisa ajar aad ku leedahay ama aad ka helayso, dadku hadii ay adeecaan wanaag aad fartay waa ilaahay mahadii adigu hadaba ma garanaysaa mida khayr roon dadka oo adeeca wanaaga aad fartay iyo iyagoo ka jeesta?

Dadku markay ay ku adeecaan insha allah waxaad noqonaysaa kuwii Nabigu (CSW) ku sheegay xadiiskan “ninka dadka ugu yeedha wanaag wuxuu leeyahay wanaag la mid ah wanaaga kuwa soo raacay, iyadoo kuwaa ajarkooda waxba ayna iska dhimayn,” waa xadiis saxeexa waxaana wariyay imaamu muslim iyo kuwa kale, way ku geesinima gelinaysaa markaad dareento in aad leedahay ajarka kuwa kusoo raacay oo kale, hadii ay dadku kaa jeestaan waxaan aan ku leenahay waxa laga yaabaa in aad ka mid tahay ku wuuu Nabigu (CSW) uu lahaa “diintu waxay ku bilaabmatay Qariib waxayna ku noqondoontaa Qariib waxana liibaanay kuwa ku adkaada diintooda”,1.waxa ku soo ururay riwaayado badan fasiraada al Qariib(dadka wanaagsan oo yar, dadka kalena uu badan yahay , inta wanaaga raacda ay ka badantahay inta diiday) hadaba markaad inta ku raacaday aad xasanaadkeeda mid la mid ah aad leedahay khayr kasta oo ay sameeyan waxa u sabab ahayd dacwadaada, sababta adigu aad u horumarsatay ayaana keentay ajarkan, hadaba markay bataan kuwa ku diidani waxa laga yaabaa in aad tahay kuwuu Nabigu (CSW) uu ku tilmaamay Al Qurabaa albaabada wanaaga mid ahaan ayaa ku sugnaaday siday muslimiintu odhan jirtay markay jihaadka ay ku jiraan, kamay baqan jirin in ay ku fashilmaan jihaadka waxay odhan jireen labada wanaag mid ahaan ayaan helin doona Nasriga iyo Shihiidnimada mid ahaan.

Hadaba arinta fashilnimadu hadii ay tahay mid aan meel kale aan ka soo wareegin, hadii aad dareento mushkulada hor taagan hawshaada waxay noqonaysaa wax adiga kaa yimi talaabadana u qaad halkii guusha, hadaad doonayso in aad gaadho heer sare kuma gaadhaysid mar kaliya.

3. Cabsi laga Qabo Khalad la Galo.

Shaqsigii hore wuxuu ka baqayay in uu fashilmo waxaana uu ka baqayaa in uu khalad gelo qof ka baqaya inuu khalad qalo waxa uu odhanyaa waxa aan ka baqayaa in aad khalada galo oo hawlbadani ay iga soo gaadho khaladkaa, matalan wuxuu ka baqayaaba in ay dadku ku sheekaystaan khalad uu galay, wuxuuna odhanayaa kalmad u dejinaysa ama ka dhigaysa mid khaldamay ama uu ka baqayo maadama uu shaqsi uu u yeedhayo uu diidaba sababtana ay keento khalad uu sameeyay sababna looga dhigo inuu wanaaga uu karahsan yahay, hadaba waxaan aan u malaynayaa marka arinta lagu dabaqo kuwii hore aan ka soo hadalnay bal dadkan eega heerka sare gaadhay anbiyada dabadeed, Asxaabta Nabiga (CSW) waxa soo maray khalado ay galayn oo waawayn waxaana ka mid ah Arintii usaama binu Sayd oo kale wuxuu yidhi (R) “waxa nasoo diray Rasuulka (SCW) in aan ka dagaalano (Juhayna) subaxii waanu jabinay waanu noqday aniga iyo nin ansaari ah ninka mid ah kuwaan la dhagaalamaynay ayaan ku noqday markaan ku soo baxnay ayuu Ashahaatay waxa iga qabtay ninkii Ansaariga ahaa laakiin waan dilay weliba isagoo Ashahaadada ku cel celinayay ayaan dilay.

Markaan Nabiga (CSW) aanu u nimid arintiina ay soo gaadhay ayuu waydiyay usaamoow ma waxaad dishay kolkuu Ashahaadanayay ka dib wuxuu yidhi waxaan idhi wuxuu doonayay in uu ku nabad galo kamuu suulin Rasuulku inuu ku celceliyo ilaa aan u maleeyay in aanan nabad gelin maalintaa horteed waxaa soo weriyay bukhaari iyo muslim kaasi wuxuu ahaa khalad uu galay usaama oo jihad ku jira hadaba usaama jihaadkii miyuu joojiyay khaladkii kadib? Jawaabtu waa maya dhamaanteen sidaynu wada garanayno markuu Nabigu dhintay (scw) usaama wuxuu sii waday jihaadkiisi, usaama waa kuma waa ninkii dilayninkii Ashahaatay ee cadowgiisa ahaa, haduu u fikirayo sida aynu maanta u fikirno waa hubaal in uu odhan lahaa anigoo khaladka intaa leeg galay maanta masuuliyada intaa leeg nafteyda ku kalifi mayo laakin wuxuu odhan jiray kasi wuxuu ahaa khalad aan galay waanu dhamaaday ilaahay bana iga dhaafay asxaabta rasuulku may ahayn kuwo ku gaadhay meel sare fikrada ay ku fikirno hamigan aynu ku noolnahay.sidaynu siirada ku aragnay asxaabtu khalad ay galeen wuu jiray waan dabeecada basharka in khalad lagalo iyagu waxay doonayeen inay wanaaga faraan xumaantana ay nahiyaan illaahaydartiina u jihaadaan ama ay daaciyiin u noqdaan laakiin khaladka aygalaan muu ahayn mid hawsha ka joojiya

4. Arinta oo la Waynaysto Ama la yareeysto.

Waa laba arimood oo aynu aragno in badan oo dadka mid ah markay ka hadlayaan arimaha qaarkood waxay yidhaadan arintani way adagtahay mana karayso cid aan ahayn dadka waawayn, hadaad ku tiraahdo maxaad daaci u noqon wayday waxay kugu jawaabayaan ilaahay ayaa la gargaarsadaa laakiin dacwadu waxay u baahantahay cid taqaan shareecada islaamka oo dul qaadleh, geesi ah, hadalkiisa dadku ay qaybiyaan iyo wax yaabo kale oo faro badan oo dadkaba aan laga dhex helayn.

Laakiin waxa sugan oo la helayaa nin cilmi badan oo dulqaad yar, nin dulqaad badan oo cilmi yar, markaa hadii aad akhrido siirada iyo taarikhdii hore midna kamay joojinayn weligii in uu noqdo mid waajibkiisa guta oo wuxuu noqonaya hagaamiye oo kale ama ninkale oo caan ah oo ayku sugantahay raganimada uu ku gudanayo waajibaadkiisa, umaduna ka suulimayso in ay ahaato tu ku abtirsata awoowyadeed dadkuna kama sugayaan in ay kolba markhaati ka dhigtaan wuxuu hore u sameeyay hebel hebel.

Dadka waxa ka mid ah mid yareysta arintan oo yidhaada waa qadiyada sahlan iyo wax la mid ah, waxaad arkaysa isagoo ku odhanayaa ilaahay ayaa mahadle salaada ka dibna hadal odhanaya ama akhrinaya riyaadu saalixin kaas oo khayr igu jiro qof kasta oo dhagaysanaya ama hadal guud ahaan dadka saamaynaya, dadka ka seexda salaada subax uu ku filan yahay xadiiska kaliya ama uu toosinayo, qof doonayay xumaan ayaa markuu xadiiska maqlay ka cabsanaya, arintuna way sahlantahay laakin dadka dhexdiisa ayuu khayrku ku jiraa waxa mihiim ah hadalkooga waa mid dadka ka joojinaya hawshooda, arintu ma cusla mana sahlana laakin waxay u baahantahay dadaal, badalid iyo guud ahaan.

5. Ahmiyada Mustaqbalka.

Dadka qaar waxa aad ka helaysaa ama ay ku tusaya hamiyo ay ku cadaynayaan xaalada dadku ku sugan yahay, hadaba xaaladaasi waxay sheegayaan in aan waxbaba aan la qaban Karin, waxa laga yaaba taasi in ay tahay arin laga baqayo in lagu fashilmo sidaynu hore u soo sheegnay waxyar ka dibna aan faahfaahin doona, shaqsiga isaga waxa cadaynaya qadiyado kale kuwuuna ka bilaabaya cabsi gelin hawlkasta waxana uu kaga cabsiinaya raadka ay yeelan doonto wuxuuna bilaabay hadana qacabada naftiisa hor yaala iyo hamiyadiisa la yaabka leh markasta oo loo cadeeyo arin sharci ah, wuxuu odhanyaa waa in ay sidaa iyo sidaa noqotaa waa in sidaa iyo sidaana la yidhaada, waxaba dhacaysa in dadkuba khalad ay kaa fahmaan dabadeedna ay sidaa iyo sidaa ay noqoto Kaasina waa ninkii Mustaqbalka ku Mashquulsanaa.

Hadaba hadalkaan la yaabka leh markaan akhrisano siirada anbiyada ama dadkii wanaagsana ma waxay ku noolaayeen hamiyo noocaas oo kala ah? Taasi waa maya waxaad akhriyaysaa quraanka karimka ah waxaad arkaysaa mawqifka Nabi Ibrahaa (CSW) sidii uu wax u badalay sidii uu daaci u noqday iyo sidii uu u qaatay dacwada, ma wuxuu ahaa mid garanaya kalmada iyo mawqifka uu taagan yahay in ay ka dabeenayso dhibaato, waxaad garanaysaa qisadii Nabi Muuse (CSW) Quraankana in badan ayaan ka akhrinay ama aan ku aragnay, tusaale ahaan huud iyo saalix oo kale iyo kuwa kale oo Anbiya ah waxaynu nidhaahna anbiya soo qaado qisadi muuse iyo fircoon waxa dhacay wax yaabo faro badan sidaa darteed waxay ay gaadhay heer ilaahay quraanka inooga waramo si aynu uga cimra qaadano cidii ka dambaysay, waxaad akhriyaysaa qisadii asxaabu Qaryati markay u yimaadeen niman kuwii ilaahay u soo diray, nin ayaa maqlay isagoo door wayn ka qaatay oo yidhi kalmada ku cad aayada 20 ilaa 22 ee suuratu yaasin.

 
(Dadkaygiyahow raaca kuwan ilaahay soo diray raaca mid aan idinka doonay aduun oo hanuunsan, maxaan u caabudi wayay kii I abuuray Xagiisan aan u noqondoontaan).

Wuxuu helay wixii uu helay hadii uu yahay mid ku fikiraya caqliga aaynu ku fikirno umay sugnaateen doorkii uu ka qaatay iyo hawshii uu qabtay midkoodna umay sugnaateen.

6. Xaraan iska Fogayn Saayid ah.

Waxa dhacda in badan oo dadka ka mid ah markaad ku tirdhahdo kalmad ama ficilkaa fuli waxa uu ku odhanayaa anigu waxaad aad sheegayso ehelkiisiba ma ihi, waxana uu u arkaa in aan kalmadaa odhanin xaaraan iska ilaalin darteed hadaad ku tidhaahdo ma xaaran iska fogayn ayaad sidaa aad u yeeshay? Wuxuu odhanaya haa, hadaad ku tiraado adigu imika cid ayaad wax baraysaa hadal ayaad odhanaysaa xasanaad ayaad ka helaysaa waxaad cid baraysaa matalan Shareecada markaa Xaraan iska ilaalinta ama khalad iska ilaalinta saayidka ihi maxay ku qaban wayday? Markaa dhigayso casharada aqiidada ama kuwa tafsiirka ah miyaan ka yaabayn in aad noqoto kuwa quraanka ilaahay iyagoo aqoon wax aan ahayn ku sheega ama ku micneeyaba laakiin marka lagu yidhaado ka hadal masaajidka mawduuc dadkana anfaca waxaad odhanaysaa Kama hadlayo ama aad ku jawaabaysaa khalad iska ilaalin ayaan sidaa aan u yeelay, markaa khalad iska ilaalintaadu ma aamusidbaa?

Nabigu (SCW) wuxuu yidhi wax khayr leh ku hadal ama iska aamus, hadaba markaad khayr aad ku hadasho ama aad iska aamusto maxaad uga fikiriwayday maalin maalmaha ka mid ah khalad iska ilaalinta intaa leeg in ay kaa hor joogsanayso hawl dhan oo aad qaban lahayd, maxaad uga fikirwayday adigoo aamusan oo iska fadhiya iyo adiga oo wax qabta midkee khayr roon, waa in aad dadaasha inta awoodaada iyo aqoontaadu tahay xitaa hadii aad khalad aad galayso, beri markaad ilaahay hor istaagto waxaad odhan doonta ilaahay nafna kuma kalifo waxaan awoodi karayn ana waan la imi intaan karaayay waanan dadaalay, dadku markay dadaalan inta awoodooda ah talaabada khaldan ay gaalaan wax ay u dhigantaa mid saxan.

Ugu yaraan qadiyada aan doonayno in aynu ku dhaqaaqno waxa weeye waxa la ina siiyay kiraab waana aynu garanaynaa cid kastoo kitaabka garanaysaa waxay ilaahay balan ay kula galeen dadka kalena in ay u bayaamiyaan Nabigu (SCW) wuxuu yidhi ninka cilmiga qariya maalinta qiyaamaha waxa afka laga gelinayaa Xakama Naar ah.

Waxa kale oo iyana jirta in aad iska ilaaliso in aad noqoto inka khayr aan isaguba aan qaban dadka fara hadaba sida ku cad ayada 159 ee surada al Baqra.

(Kuwa qarinaya wax ilaahay soo dajiyay ee cadeemo iyo hanuun ah kadib kolkii dadka loogu cadeeyay kitaabka kuwaasi ilaahay ayaa nacdalay waxana nacdalaya cida wax nacdasho oo dhan).

Ayaadani kama hadlayso cid gaar ah laakiin waxay ay ka hadlaysaa cid kasta oo qaeisa wixii ilaahay baray.

Kuna dhowaan mayso aragtida layaabka leh in aad eegto is ilaalintiisa xad dhaafka ah in ay ku beegto in aan kalmada odhan in aan dadka wanaaga falin xumaantana aan ka joojin, is ilaalinta saayidka ihi markaa ay ka dhigto mid ka go’ay umada intooda kale oo yidhaada aniga naftayda ayaa imashquulisay dacwada cid un ayuu ilaahay u diri doona.

7.Kala saaridda arimuhu siday u kala fadli badan yihiin
Waxa dhacda dadku in ay ku mashquulan naftooda arin khayr leh sharcina ah laakiin arin laga fadli badan yahay qadiyada kala fadilida arimu waa mid ka timaada dadka, masalan akhristahayow waxa aad ka maqashay culumo faro badan iyo daaciyiin iyo mutaxadiisin waxaad akhrida kutub badan, sidoo kale waxa adiga dayn laguugu leeyahay qayb ka mid ah fadligoogi waynu garanaynaa adigu in aad ka heshay faa’iido wayn, hadaba hadii adiga lagu waydiyo caalimka aad maqashay, qoraagan aad akhrisatay ama shaqsiga aad ka faa’iidaysatay ma jeceshahay in aad sidiisa aad noqoto.

Waxaynu ognahay in dadku ay baahi u qabaan cilmi ay helaan iyo culumo ay wax ka bartaan hadaba markasta oo qofku cilmi korarsado waxa koradha baahida cilmiga uu u qabo in uu kororsado jaahilnimadiisa, haa way fiicantahay in cilmiga la barto laakiin markasto oo uu qofku mashquulo in cilmigu lafhaantisa helo dadkana ka barto iyo inuu fatiyoodo dadkana kala saaro waxna baro iyo inuu kutubyo alifo, taa macneheedu waa in aynu fahano sida camaladu ay u kala fadli badan yihiin iyo dariiqooyinka shaydanku dadka u soo maro si uu ugu haleeyo waxa iyadana waa jub ah in aynu ka fikirno camalkani ma yahay camal faa’iido leh mise maaha?

Ma kaas ayaynu ka bilownaa in aynu ka shaqayno mise maya?

La soco.

Top


Ha Iman Lahaydaa! Q:4aad – Maxamed Daahir Afrax.

Markii odaygeedu albaabka hore qab ka siiyey ayaa Faadumo miyirkii ku soo noqday. "Ha nagala tago dhibtiisa , cimri-degdeg baabu nugu ridaye" ayay kor u tidhi iyadoo dharkii ay dhaxanta u gashatay iska bedde- laysa. Daqiiqado ka dib dareen cusub baa ku dhashay, dabkii cadhadu markuu ka yare damer. 'Xaggee buu xilligan tagi karayaa!' Saacad gidaarka sudhnayd bay indhaha ku taagtey. Waa saddexdii habeennimo oo shan daqiiqo dhimman.

Kor bay u booddey.. Shafkay sacabka saartay.. Erayadiisii u dambeeyey baa maskaxdeeda ka dhawaaqey.. "Ballan baan kugu qaaday in aanad dib dambe ii arag! Nabadgelyo!" Tolow muxuu u jeedey? Ma waddankan oo dhan buu isaga baxayaa, sidii uu weligii odhan jirey? Ma laga yaabaa in uu is dilo! Ma wuxuu u marmarsoonayaa in uu naag kale guursado! Alla ba'ay! Mise wuxuu goostay in uu i furo!!'

Markay furriinka gocatay bay calooshu gaddoontay.. Dhulka iyo cirkaa la wareegey.. Aad bay isula yaabtay.. 'Maxaa ku beddelay! Sow taad ku dhaarsanayd in aad ka takhalus- to!'

Waxaa isu sawiray iyadoo mar kale keli ku noqotay aqal qabow badan iyo ubad qurbe jooga oo faraha-laga-qaad ah. Waxaay xasuusatay kadeedkii ka soo maray kelinimada qurbaha. Waxay dib u jalleecday taariikhdii dheerayd ee ay nolosha wadaageen iyo maalmahoodii wacnaa, sanadihii guurkoodu cusbaa. 'Cimri tegey ceeb laguma sagooti- yo. Dunidu maanta uun ma aha. Malaha waan ka badbadiyey markaan idhi "iiga bax aqalka!" Markaas run ahaan waan doonayey in uu muuqiisa iga qariyo, in uu dhibtiisa igala tago. Haddase... haddase... maya... maya Laakiin wuu istaahilaa. Isagaa igu kallifay inuu u furo, lsaga, lsaga... Mowjaddii cadhadaa mar labaad ku sara kacday, haddana way is dejisey.. Dib bay isu canaanatay.. 'Ilaah baa na lehe, ma ahayn in aad xilligaan dhaxanta u saarto.' Damiirkeeda hoosaa canaantay.. 'Bal xagguu tegi karayaa? Ka warran haddii qabowgaas wadnuhu is taago, oo berri-subax meydkiisa beerta laga dhex helo! Alla bisinka! Alla ba'ay!' Iyadoon is ogeyn ayay kor u booddey.. Koodhkii qaboobaha ayay soo haabtay.. Stoodh ay kabo dhaxameed ku ogeyd bay ku orodday.. iyadoon weli gaadhin bay qayla-dhaan maqashay.. "Waa wareey! Waa wareey! War yaa muslim aheey! War iga qabtaay! War nimanka iga qabtaay! Boliis! Boliis! Boliis! Help! Help!"

Alley lehe belaa dhacday! Waa codkiisii xabeebta lahaa oo ciil iyo kaar la doorsoo- may, marba marka ka dambeeyana sii ciiraya, sidii wax naftu ka sii baxayso!

Waxay ku sigatay inay dabaqa sagaalaad daaqadda ka booddo, kamase dhabayne iyadoon kabihii dhaxanta gashan bay albaab- ka isku qaadday.. Baroortu dhanka ay ka yeedhayso uma dhugma yeelan.. Inayna meel dhow ahaynse way dareensantahay.. Waa meel aan hadday maalin ahaan lahayd dha- waaq laga maqli kareen.. Dhankii ay la noqotay bay afka saartay.. Mugdigii shibba- naa bay qoob iyo qaylo ku kala dhambashay] sidii qof la marey: "ba'ayeey, muslimoow! I Alla la dilyeey! AlIa ka qabtaay! AlIa anaa dilayeey! AlIa yaa i habaarayeey! AlIa maxaa dilayeey Dhawr daaqadood baa laga soo qooransaday qofka dumarka ah ee saqda dhexe ku qayla-dhaaminaysa af aan la garanayn. Waxa qooraansanayaa waa qof qof hurda fudud oo baroorteeda ku kacay iyo laba laba ruux oo habeenkaas jacayl-wadaag iyo is jalbeebin ku soo jeedey; iyo kuwo oohin dhallaan ama feker adduun hurdadii ka qaseen.

Waxay balasbalaslayso ooy marba jaho isku qaadaba ugu dambayntii way ka soo dul dhacday.. Meel aan ka durugsanayn bay taahiisa ka soo raacday.. Ka dibna way heshay, isagoo keligi jidka baabuurta iyo guryaha dhexdooda gorofsan, sidii dameer bakhtiyey. Intay jilba-joogsatay bay xabadkiisii waynaa isku dul xoortay..
Madaxiisii dhiigga barkanaa bay kor u qaadday.. Aad bay u soo dhawaysatey.. Indhihiisa xidhan baa argagax hor leh ku riday.. Xabadkiisay sacabka saartey, halkii ay is lahayd wadnahaa ku jira.. Ma dhaqdhaqa- aqayaa mise maya! Waxba way kala garan weydey.. Sankiisay sacabka ku dhaweysey.. Malaha weli wuu neefsanayaa.. Yididiilo yar baa soo gashay.. Waxaa ka soo burqaday erayo beerlaxawsi ah iyo oohin ku badhxan.. Waxaad mooddaa in ay is leedahay ka gaadhsii intaan naftu ka bixin: "Geeddiyow! Geeddi! Gacaliye! AlIa balaanbalayeey! Cid kale ma diline anigaa dilay! AlIa anigaa iska dilay! AlIa macaanow ha dhiman! AlIa ha naga dhiman! AlIa IIaahayow ha iga dilin! IIaaha- yaw tooba! Tooba yaa Rabbi! AlIa maxaa i qaadayeey! AlIa yaa i habaarayeey! Alla macaanow ha naga dhiman! Macaanow ha iga dhiman.

La soco.

Top


Dhidar Dad Cun Ah Oo Shan Qof Ku Dhaawacay Deegaanka Caynabo

Burco (HaatuF): 5 qof oo isku qoys ah ayuu dhaawacyo soo gaadhsiiyey Dhidar dad-cun ahi, ka dib markii uu arbacadii doraad ku weeraray gurigooda oo ku yaal miyiga tuulada War-idaad oo ka tirsan degmada Caynaba, dadkaasna waxa dhaawacooda la keenay cusbitaalka guud ee magaalada Burco, waxayna dadkaasu oo iskugu jira dumar iyo carruur kala yihiin Xiis Cismaan Cali, Saynab Aadan N uur, Xirsi Nuur X. Muuse, Saleebaan Nuur X. Muuse iyo Hooyo Khadra Yuusuf Diiriye,.
Weriye Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsan ayaa dadkaa shalay ku booqday cusbitaalka Burco, wuxuuna sheegay inuu dhidarkaasi dadkaa soo gaadhsiiyey dhaawacyo kala duduwan, oo qaarkood xun yahay, hase yeeshee, waxa kale oo ay dadkani ka cawdeen xaaladda adeeg ee cusbitaalka, taas oo ay sheegeen inay la kulmeen adeeg xumo.

“Cusbitaalka waxa naga heshay dhibaato badan, masalan dadka dhaawaca ah xalay (habeen hore) tobankii ayaa la keenay iskoorsada, waxayna halkaa yiileen ilaa 11-kii maalinimo oo aan ilaa hadda dhakhtar noo iman “ sidaa waxa yidhi aabaha qoysku weeraray Nuur X. Muuse.
Dadkan waxa qaarkood soo gaadhay dhaawacyo sahlan, halka qaar kalena uu ka muuqdo dhaawac xun, tusaale ahaan Khadra Yuusuf Diiriye oo ah hooyo dhashay laba ka mid ah caruurta (labada wiil Ilma Nuur X. Muuse) waxa ka muuqda dhaawac xun, taas oo ay nabaro xun-xumi kaga yaaliin labada lugood, labada gacmood iyo madaxa.

Dhidarkan dad cunka oo la soo dilay waxa isna maydkiisu yaalay cusbitaalka hortiisa, waxayna dadka deegaanka dhidarku wax ku weeraray sheegeen inaanay jiidooda hore ugu arag ama ugu aqoon dhidar dad cun ah, sidaa darteed aan la garanayn meel uu dhidarkani ka yimid.

Top


Australia Oo Ciidamo Nabad-Ilaalin Ah U Daad-Guraysay Jasiirada Salamon.

Ciidamo nabad ilaalin ah oo ay Australia hogaamineyso ayaa tagey jasiiradda Solomons oo qalalaase ka socdey baryahan. Dad ay qabaa'ilku soo abaabuleen ayaa ciyaaro iyo heeso ku soo dhaweeyey ciidamadii nabad ilaalinta ee tagey Honiara oo uu hogaaminayo ninka ay Australia u magacwdey in uu maamulo ciidamada caalamiga ee halkaas loo geeyey nabad ilaalinta.

Nick Warner oo ah diblomaasi khibrad leh ayaa sheegey in faragalintani ay tahay fursaddii ugu dambeysey ee Jasiiradda Solomons u hesho in ay kaga soo kabsato sharci la'aanta waddankaas wiiqdey waayadan dambe. Howlgalkan oo ay ka wada qeybqaateen ciidomo ka kala socda dowlado badan ayaa ku bilowdey Shan boqol oo askari oo laga soo duuliyey woqooyiga Australia.

Ciidamada Fiji ayaa joogay garoonka dayuuradaha ee Honiara ayaa halkaas ilaalinayey.

Laamiga garoonka dayuuradaha waxa fadhiyey dayuuradaha qumaatiga u kaca, iyadoo meel aan ka fogeyn xeebta magaalada ay ciidamadu joogaan uu fadhiyo Markab ciidamada xarun u ah.

Top


Dawladda Maraykanka Oo Soo Bandhigtay Sawiro Ay Markhaati Uga Dhigayso Dilka Cuday Iyo Qusay.

Washington (W.Wararka) – Wasaaradda Gaashaan-dhiga ee Maraykanka ayaa soo bandhigtay maalintii shalay sawiro ay ku tilmaameen inay yihiin maydadkii labadii wiil ee uu dhalay Sadaam Xuseen oo la kala odhan jiray Cuday iyo Qusay, taasoo ay Maraykanku sheegeen inay dileen maalintii dorraad, waxayna meydadka ay soo bandhigeen ku macneeyeen si ay dadka reer Ciraaq ugu sugaan inay dileen labadaa wiil.

Sida uu sheegay af-hayeen u hadlay wasaaradda Difaaca ee Maraykanku, sawiradan waxa lagu soo bandhigay magaalada Baqdaad iyadoo la raacayo go’aan kasoo baxay Wasiirka difaaca ee Maraykanka, Donald Rumsfield, taasoo qancin looga dhigayay dad badan oo reer Ciraaq ah oo aan rumaysnayn dhimashada labadaa wiil ilaa ay arkaan daliil cad oo muujinaya dhimashadooda.

Waxa kaloo af-hayeenku sheegay in xubno ka tirsan golaha maamulka Ciraaq loo ogolaaday inay tagaan madaarka Baqdaad si ay indhahooda ugu arkaan meydka labadaa wiil oo laga soo dejinayay, xubin ka mid ah golahaasi ayaana sheegay inuu indhihiisa ku arkay meydka labada wiil oo aanu shaki kaga jirin inay iyagii yihiin. Balse taliyihii hore ee ciidanka sirta Ciraaq, Wafiiq Samaraay ayaa sheegay in sawirada lasoo bandhigay aanay si dhab ah u muujinayn muuqaaladii Cuday iyo Qusay, laakiin wuxuu intaa ku daray in ifafaalaha soo baxaya oo dhami ay muujinayaan in labadaa wiil la dilay.

Soo bandhigida sawiradani waxay ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan dilka gaadmada ah ee lagu hayo ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq, dhacdadii ugu dambaysayna maalintii shalay Saddex askari oo Maraykan ah ayaa lagu dilay Waqooyiga Ciraaq agagaarka degmada Moosil oo ah halka ay Maraykanku sheegeen inay ku dileen labadii wiil ee uu dhalay Sadam Xuseen.

Dhinaca kale, waxay wararku sheegeen in koonfurta Ciraaq gantaalo lagu weeraray kolonyo ka tirsan ciidamada Maraykanka oo meel wado ah marayay, laakiin wararku may cadayn khasaaraha uu weerarkaasi geystay, iyadoo ay weerarkaa fuliyeen Ciraaqiyiin hubaysani.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Kuwama Ayay Ahaayeen Cuday Iyo Qusay?

MOSUL:- Ka dib dagaal ka socday afar sacadood dhisme ku yaalla magaalada Mosul, ee waqooyiga dalka ciraaq, ayaa wararka mar dhawayd ka soo baxaya xarunta dhexe ee ciidamada maraykanka ee magaalada Baqdad waxay si cad u xaqiijiyeen in ay ku dileen dhismahaasi labadii inan ee uu dhallay Madaxweynahii hore ee waddanka ciraaq Saddam Xuseen, CUDAY SADDAM XUSEEN IYO QUSAY SADDAM XUSEEN,
"Waxaanu si weyn ugu kalsoonahay inaanu kaga takhalusnay Cuday iyo Qusay Saddam xuseen" sidaasi waxaa weriyayaasha shir jaraa,id ugu sheegay Ricardo Sanches oo ka tirsan saraakisha ciidamada maraykanka ee ku sugan xarunta dhexe ee magaalada Baqdad, wuxuu sarkaalku intaasi ku daray oo uu yidhi "Waxaanu u isticmaalay illo kala duwan anaga oo ku hagnay sattelite ka wax basaasa".

Uday wuxuu ahaa 39 jir oo ahaa wiilkii ugu yara ee uu dhallay Saddam Xuseen, iyada oo maalmahii Aabahii ka talinayey waddanka ciraaq si weyn looga xasuusto amar ku taaglayntii iyo kibirkii uu ugu dhax noola bulshada ciraaq, Qusay wuxuu isaguna dhashay sannadkii 1966- kii wuxuuna ka mid ahaa ashkhaasta Aabahii aadka ugu tiirsanaa ee uu ku kalsoona wuxuu ka mid ahaa madaxdii ugu saraysay ee xisbul-Bacath, waana maskaxdii ka danbaysay aasaskii ciidamadii loo yaqaanay "Ciidamada Jamhuuriga" "Republican Guards" ee sida ba,an loogu hadal hayn jiray dagaalkii ciraaq. waxaa kale oo sida sarkaalka u hadlay ciidamada maraykanka ee xarunta baqdad general Ricardo uu xaqiijiyey in laba kale oo ka mid ahaa afarta shakhsi ee lagu dilay villa-daasi iyagana la baadhayo cidda ay yahiin, waxaa sida ay sheegen saraakiisha maraykanku ay rumaysanyahiin in Saddam Xuseen laftigiisu aanu ku jirin dhismahaasi, sida uu afhayeenka ciidamadaasi maraykanka u hadlay xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi lagu qaaday dhismahaa lagu dilay Cuday iyo Qusay kaga dhaawacmay lix askari hal askarina uu kaga dhintay.
dagaalkii ciidamada maraykanku ku qaadeen dhismahii ay ku jireen Uday iyo Qusay.

Si kastaba ha ahaatee waxay u tahay maalin farxadleh madaxda guriga cad ee maraykanka ee uu hormoodka u yahay Madaxweyne George Walker Bush iyo weliba guriga gaashandhiga ee maraykanka ee loo yaqaano (Pentagon), waxaanay u dirayaan farriin shacabka reer ciraaq in aanay dib ugu soo laaban doonin hogaamiyayaashii xisbul bacath maamulka waddanka ciraaq, si kastaba arrintu ha ahaate waxaa su,aasha la is weydiin kara tahay sideebay u arkaan dhimashada Cuday iyo Quday Saddam Xuseen shacabka reer ciraaq ee kala mab,da,a ahi, jawaabta su,aashasi waxaa keliya la ogaan kara maalmaha foodda inagu soo haya.

WAXAA ISKU SOO DUBARIDAY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA).

KARACHI, pakistan

diridhaba2001@hotmail.com

Top


Dadow Sharciga Haloo Hoggaansamo, Othman Asheikh Issa.

Bismillahi Arrahmaani Arraheem.

Cali bin Abee Talib (radiyallaahu anhu) ayaa laga xaday seef caan ahayd oo uu jeclaa. Seeftii ayaa waxa lagu arkay nin Yahuudi ah. Cali oo ahaa markaa ameerul mimineenta (madaxa dawladda muslimka) ayaa ashtakeeyey ninkii Yuhuudiga ahaa. Maxkamadii ayaa dacwadoodii dhagaysatay. Ninkii Yuhuudiga ahaa waxa uu yidhi seefta aniga ayaa leh. Qaadigii ayaa weydiiyey Cali in uu haysto shaahid (markhaati). Cali ayaa yidhi haa inankayga Xassan ayaa shaahid (markhaati) ka ah inay seeftu tahay seeftaydii. Qaadigii ayaa yidhi cid kale ma haysataa, Xassan, inankaagu markhaati kama noqon karo arrinta seefta e. Cali ayaa ku jawaabay maya. Qaadigii wuxuu Cali ku yidhi waad caddayn kari weyday adiga oo maraya shuruudaha sharcigu dhigayo in seeftani tahay seeftaadii. Sidaas darteedna kiiskiisii ayuu dibadda u tuuray.

Cali oo ah ameerka muminiinta garasha weynna u leh sharciga Islaamka wuu aqbalay xukumkii maxkamadda sababtoo ah, sharcigu waxuu dhigayaa haddaad wax sheeganayso inaad caddayso adiga oo maraya dariiqa sharciga ah. Taa ka hor, marka aad maxkamad timaadid waxa weeyi micnaheedu inaad u hoggaansanaanto xukumka soo baxa. Haddii sharcigu kuu ogolaanayo inaad ambiil qadato, oo aad doonto inaad ambiil qaadato waa kuu furan tahay. Haddii aanad ambiil qaadan Karin, amba ambiilkii aad weydey, waa inaad qanacdaa, haddaad arkayso inaad xaq leedahay iyo haddii kaleba.

Ninkii Yahuudiga ahaa ayaa aad ula dhacay sharciga fiican ee Islaamka iyo sida fiican ee uu ku qancay Cali xukumka maxkamadda isaga oo arkaya xaqiisii. Ninkii Yahuudiga ahaa Cali ayuu u celiyey seeftiisii isaga oo la dhacsan sida xaakimku uu isaga iyo ameerul muminiinta u simay ee uu u raacay sharciga iyo sida Cali uu ugu hugaansamay sharciga ee uu u qaatay si niyad wanaagsan xukumka maxkamadda ee uu ugu qancay, isaga oo arkaya seeftiisii.

Waxa sharaftu iyo dawladnimadu ku jirtaa is maqalka iyo is ixtiraamka iyo kala danbaynta. Ixtiraam la’aanta iyo sharciga oon loo hongaasamin waxa weeyi mid keenaysa cawaaqib xun iyo fawda iyo burbur. Waxa dadka
kala haga waxa weeyi sharciga. Sharciga waxa weeyi ka kaliyeeta ee cid walba dabraya. Waxana lagu qiyaasaa ilbaxnimada iyo garashada dadka sida ay u qiimeeyaan sharciga iyo danta guud. Haddaan danta la ilaalin waxa weeyi nasiib darro weyn.

Dadka muslimka ahina waxa weeyi kuwii is maqla ee goor walba wanaagga is fara. Waxana fiican oo Islaamku inna farayaa in la isku kalsoonaado. Waxa Islaamku farayaa qofka muslimka ahi inuu oofiyo ballanta uu qaado. Haddaynu ballan qaadno inaynu sharciga u hoggaansanaan doonno, marka ay timaaddo inaad ixtiraamto cahdigii aad gashay, haddaad barbar marto, ood tidhaahdo ma ixtiraamayo ballantii aan qaaday haddaan waayi waxa aan doonayey, waxa weeyi mid xun. Dadka waxa kala haga waa sharciga u hoggaansanaanta iyo run ku socodka.

Maaha mid fiican aniga tayda haddaan la ii yeelin waxba hagaagi maayaan. Caqliga caynkaas ah ma garanayo halka uu ka imanayo. Aqoonta aynu sheega nayno maxay ku filantahay haddaynnaan garan Karin baahida loo baahanyahay in sharcigu inna dabro oo aynu qaddarinno kalmadeenna.
Waxa Subxaanahu wa tacaalaa yidhi: oofiya cahdiga (ballanta), waa la isweydiinayaa cahdiga eh. Rasuulkuna waxa uu yidhi calaamadaha qofka muslimka ah waxa ka mid ah, haddii uu hadlo inuu run sheego, haddii uu ballan qaadana, inuu oofiyo, haddii la aaminana, inuu ammaanadii si fiican u guto.

Maanta ayaa runtii la is baranayaa, waxana maahmaadu tidhi: marka imtixaanka ayaa qofku amba sharaf yeeshaa amba gumoobaa!

Haddaba waxaanu xasuusinaynaa xizbiyada Somaliland dhammaantood inay ilaaliyaan sharciga. Cid sharciga ka saraysaa majirto, oo aan Ilaahay ahayn.

Othman Asheikh Issa.

Toronto, Ontario, Canada.

E-mail: issafee2003@yahoo.ca

Top


Hala Daad-Gureeyo Ma Hanti baa?

D/Somaliland ilaa hada waxa ay kala garan la'dahay ama ayna fahmsaneyn sidii loola macaamili lahaa ninka cad ama dawladaha ajanabiga, maxaa yeeley iyada oon hada laga aqoonsaneyn in ay somaliland dawlad tahay ama community tahay ayey wada hadal lagalayaa QAYBTA SOCDAAL ee DALKA BRITAIN.

Run ahaantii sharci uma haystaan in dad aan dawlad lahayn lagu qubo dhul aan dawladi ka jirin taas DAWLADA BRITAIN ama dawladaha kale ee aduunka ka jira ee ogolaada ama dejin u sameeya dadka ama ummadaha dhibaato ka soo gaadhay dhulkoodii ama dalalkoodii hooyoo ma mustaafurin karaan  lamana gaadhi karaan dad aan UN ka haysan ogolaansho lagu dhoofiyo.

GENEVA CONVENTION  ma ogolaaneyso arinta dad dhoofinta ee haatan laga hadal hayo somaliland  waxa aan ummada reer somaliland  u sheegeynaa in ayna taasi dhici karin ,laakin waa in aad ku howlanaantaan sidii aad DAWLAD HAGAAGSAN UGA SAMEYSAN LAHAYDEEN AMA MAAMUL WANAAGSAN GEYIGIINAA IRMAAN.

Dhalinta haatan gacanta ku dhigtay maamulka somaliland ma ayna garan waxa ay tahay maamul  iyo masuul,waxa aan uga gol leeyahay Arinta ah in dad reer somaliland ah dib loogu soo celinayo somaliland lagana soo qaadayo cariga ingiriiska taasi waa mid aan caad lahayn markaa siyaasada dhan kale u roga .
  
BAAF@HOTMAIL.COM

Top


Dhaqankeenii Ma Sidaasuu Ku Dambeeyay?

Waxa dalkeena Somaliland aad ugu soo badanaya dhalinyarada yar yar oo iskugu jira rag iyo dumar oo iyagu dhaqankii Ilaahay ugu talo galay ka tagay, tusaale haddii aan soo qaato mucjisada iyo dhaqan guurka inamada waxa ay boqol meelood ka xiiraan timaha madaxooda ku yaala, hadday doonaan maba feedhaan, oo waxa ay yeeshaan raamo isku marmaran, kuwaas oo marka ay kaa soo horbaxaan, aad moodayso dad xanuunsanaya, haddaba waxa cajaa’iba sidan ay samaynayaan.

Waxa iyaguna aad ugu soo badanaya hablo yar yar oo aad ka naxayso, marka ay indhahaagu qabtaan, kuwaas oo jidhkoodii Ilaahay u abuuray oo ismariyey dawooyin kiimiko ah, waxa taas dheer iyaga oo xidha dhar gaagaaban oo ku dhegsan, ka dibna muujiya cawradooda.

Haddaba maaha wax lagu farxo waayo qofkasta waxa uu la dhashay gabadh, waxa aad arkaysaa iyaga oo meel walba taagan, iyaga oo tagaya aroos kasta oo magaalada lagu qabto, haddaba aniga oo aan sii dheeraynayn maqaalkaygan, waxa kula talin lahaa dhalinyarada aan soo sheegay, inaynu nahay dad muslim oo diinta Islaamka aynu ku dhaqano kuna socono, mana aha in gaal uu Ilaahay ugu bishaareeyey inuu gelinayo cadaab adag, Ilaahay ha inaga fogeeyee, xadiis laga weriyey rasuulkeenii Muxamed ahaa NNKH waxa uu yidhi “Qofka metela qooma waa ka mid”.

Haddaba waa in xooga ay saartaa wasaaradda diinta iyo awqaafta, waalidiinta iyo guddiga xumaan reebistu iyo dhamaan culaamaa’udiinku inay dhaqanka Ilaaliyaan.

Axmed cali Sh. Muxumed.

Hargeysa. 

Top