Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 385 July 29, 2003

“Waxaanu Danaynaynaa In Adeegsiga Marinka Berbera Si Dhakhso Ah Loo Dhaqaajiyo,” Madaxweyne Daahir Rayaale.

Dekedda Berbera: Daad-Guraynta Raashinka Caawimada Iyo Badeecadaha Is Dul-Buuxshay

Dubai: Xuddunta Ganacsiga Adduunka Ee Qarniga

“Badeecadaha Ganacsigu Waxay Gaadhaan Ilaa Afrikada Galbeed, Diyaaraduhuna…” Waraysi - Maxamed Yaasiin Gaba-Xadi (Colaad).

“Reer Beereed Waxay Na Leeyihiin Awoodayadu Waa Intaa” Badhasaabka Burco

Dawlada Hoose Ee Boorama Oo Qaaday Olole Ay Ku Banaynayso Jidadka Xidhan.

HAVAYOKO Oo Siminaar U Furtay Koox Dhallinyaro Ah

Wer-Wer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Q:2aad - Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle

Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.

Arday Qalin-Jebisay Iyo Hay’adda AET

Cudurrada Mafrishyadda.

Pakistan Oo Dawladda Hindiya Ugu Baaqday Xal U Helidda Khilaafka Dhexyaala

Philippine: Ciidamo Gadooday Oo Is Dhiibay

Ciidamada Maraykanka Oo Qaaday Olole Ay Kaga Hortegayaan Weerarada Ciraaqiyiinta.

WAADIGA CIYAARAHA: “Madaxweynaha Somaliland Waxa Uu Kooxdayada Ku Marti-Qaaday Dalkooda Hooyo Inay Booqasho Ciyaareed Ku Yimaadaan.”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


“Waxaanu Danaynaynaa In Adeegsiga Marinka Berbera Si Dhakhso Ah Loo Dhaqaajiyo,” Madaxweyne Daahir Rayaale.

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay hadal ka jeediye shir-hawleed ku saabsan isku xidhka dekadda Berbera iyo dalka Itoobiya oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, shirkaas oo ay ku kulmeen madax ka kala socota labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya waxa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah, isaga oo ku eg maanta, iyadoo uu shirkaa furay madaxweyne Rayaale, isla markaana weftiga dhinaca Itoobiya ka socda ee shirka ka qayb gelayaa waxay ka kooban yihiin ilaa 7 xubnood oo ka kala socda hayado ay ka mid yihiin wasaaradaha ganacsiga, gaadiidka iyo isgaadhsiinta, maaliyadda, wershadaha iyo kastamiska. Sidoo kale dhinaca Somaliland waxa shirkaa ka qayb gelaya madaxda dhigooda ah.

Laakiin madaxweyne Rayaale oo furitaankii shirkaa khudbad ka jeediyey waxa uu hadalkiisa ku bilaabay:

“Waxaan si diiran ugu soo dhawaynayaa ka qayb galayaasha shirkan wada tashiga ah ee ku saabsan isku xidhka dekedda Berbera iyo dalka Itoobiya isla markaana waxaan shirka u rajaynayaa in ajanadaha laga hadlayaa uu guul ku dhamaado, waxaanu shaki ku jirin in go’aamada shirkan ay mustaqbalka saldhig u noqon doonaan taaba galka isku xidhka dekedda Berbera iyo Itoobiya, waxaan rajaynayaa in intiina shirka ka soo qayb galaysa ee markii ugu horeysay timid Somaliland u joogitaankooda halkani fursad u siin doono si ay u arkaan wejiyada kala duwan ee nolosha iyo xaaladaha dalkan ka jira. Waxa iyaduna noqon doonta arrin qadarinteeda leh, haddii aydun si gaar ah ugu kuur-gashaan dedaalka ay xukuumaddayada cusubi ugu jirto sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka jira dhinaca horumarinta dalka Somaliland.

Talooyinka ka soo bixi doona shirkan, waxay nidaamin doonaan wejiyada kala duwan ee xidhiidhka u dhaxeeya dhinacyada arrintan ku lug leh, taas oo tusaale u noqon doonta, isla markaana hagi doona, sidii xal loogu heli lahaa dhamaan amuuraha la xidhiidha dhinacyada sharciyeed, farsamo iyo khilaaf-ba,ee ka soo baxa hirgelinta mashruucan.

Waxan ku niyad samahay in uu mashruucani ay ka dhalan doonaan fursado dhiiri geliya inuu abuurmo jewi iskaashi oo dhexmara labada dal, kuwaas oo ku waajahan balaadhinta xidhiidhka ganacsi ee labada dal.

Talaabada marshuuracan hore waxay muujinaysaa siday nooga go’antahay in ay walaalahayaga Itoobiya ay uga faa’iidaystaan isticmaalka marinka Berbera.

Sidaad wada ogtihiin dekedda Berbera waxay ku taalaa bogcad istiraatiiji ah, waxaanay leedahay ahmiyad iyo tas-hiilaad ah u gaar ah, kuwaas oo ay labada dal-ba ka faa’iidaysan karaan markasta oo loo baahdo.

Dekedda Berbera looma arki karo gacan looga gudbo, laakiin ahmiyadeedu waxay tahat dhowaanshaha ay tahay meel u dhow xadka Somaliland iyo Itoobiya, taas oo u suurtagelin karta in alaabooyinka ka soo dekedda Berbera si sahlan loo gaadhsiin karo jiidaha ugu fog-fog ee gudaha Itoobiya, isla markaana jiidahaa laga keeni karo alaabooyin laga dhoofiyo dekedda.

Haddii aanu nahay Somaliland, arrintani waxay noo leedahay ahmiyad weyn iyadoo aanu raali ka nahay in danaha labada dal ay si adag isugu xidhmaan. Sidaa darteed, waxaanu aad u danaynaa in adeegsiga marinka Berbera si dhakhso ah loo dhaqaajiyo, isku-xidhkiisuna noqdo mid taaba-gala, isla markaana waxaanu diyaar u nahay dhammaan wixii iskaashi ah ee dhinacayaga looga baahdo.

Xukuumadda iyo Shacbiga Itoobiya, waxaanu uga mahadnaqaynaa dedaalka iyo taageerada joogtada ah ee ay muujiyeen, iyadoo aanu si gaar ah ugu faraxsannahay weftigooda maanta dalkayga jooga.

Waxa kale oo aanu abaal iyo qadarin u haynaa komishanka reer Yurub, haddii ay tahay taageerada guud ee ay dalkan siiyaan iyo haddii ay tahay maal-gelinta ay ku sameeyeen daarasaddii mashruucan.
Sidoo kale, waxaanu u mahad naqaynaa shirkadda LOUIS BERGER oo ah ta samaysay daraasadda mashruucan.”

Top


Dekedda Berbera: Daad-Guraynta Raashinka Caawimada Iyo Badeecadaha Is Dul-Buuxshay

Berbera (Haatuf): Kolonyadii u horeysya ee baabuurta xamuulka ee sidda raashinka caawimada ah ee u socda Itoobiya ayaa xalay fiidkii ka soo shiraacday dekedda Berbera, iyaga oo u socda gobolka Shiniile ee dalka Itoobiya.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil C/Raxmaan X. Daahir (Casaan), kolonyadan baabuurta ah waxay tiradoodu gaadhaysaa 30 baabuur, isla markaana waxaa dekedda Berbera kulaalaya gaadiid badan oo kuwa xamuulka qaada ah, kuwaas oo doonaya inay ka qayb galaan daad gureynta raashinka caawimada ah ee dekedda yaal, iyada oo markab sidda raashin caawimo oo Itoobiya laga leeyahay uu dekedda Berbera yimid 26-kii bishan, wuxuuna sidaa raashin dhan 15,000 tan, laakiin sida uu weriyaha Haatuf ku soo waramay raashinkaas oo ah qamadi waxa dekedda Berbera la keenay isaga oo quban markabka dhexdiisa, sidaa darteed waxa hadda socota hawl lagu cabaynayo raashinkaa, waxaana hawsha cabaynta wada laba makiinadood oo markabka shixnada siddaa leeyahay.
Hawsha dejinta raashinkaa waxa ka shaqaynaysa shirkadda wadaniga ah ee la yidhaahdo FAA oo fadhigeedu yahay magaalada Berbera, laakiin dhinaca kalena iskaashatada gaadiidleyda Somaliland ee TAWFIIQ ayaa iyana dhinacooda ka shaqaynaysa kala habaynta gaadiidka iyo gudbinta shixnadaha, waxaana la sheegay inaan bilawga hawsha markabkan wax buuq iyo xiisad ahi la soo dersin.

Dhawrkii maalmood ee u dambeeyey waxa magaalada Berbera isa soo dhoobay boqolaal gaadiid ah kuwaas oo isaga soo habar wacday gobolada dalka si ay uga qayb galaan daad-gureynta shixnadda caawimada ah ee dekedda timid, waxaana baabuurta diiwaan gelinaya xafiiska iskaashatada gaadiidka ee Tawfiiq, iyada oo sawaxanka iyo dhaq-dhaqaaqa gaadiidkaa si weyn looga dareemay magaalada Berbera.

Waxa kale oo iyana hawsha markabkani ku soo beegantay waqti ay dekeddu la ceeryoontay badeecado isugu jira bagaash iyo qalabka dhismaha, kuwaas oo in muddo ah ku xayirnaa dekedda, ka dib markii uu saameeyey khilaaf la xidhiidha nidaamka cashuuraha oo dhexmaray dawladda iyo ganacsatada.

Inkasta oo maalintii salaasadii ee todobaadkii hore la soo afjaray khilaaf ka dhex oogmay ganacsatada bagaashka iyo xukuumadda, haddana badeecadahaasi xawligii ama dhakhsihii la filayey kagama bixin dekedda, taas oo weli la dareemayo caga-jiid ka muuqda ganacsatada, iyaga oo taa ku sababeeyey saluug iyo cabasho ay ka muujinayaan nidaamka cusub ee baadhista iyo hubinta shixnadaha, sidaa darteedna badeecado badan oo bagaash iyo qalabka dhismaha ah ayaa dhooban barxadda dekedda iyo bakhaaradaa waaweyn ee dekedda, taasina waxay cidhiidhi badan ku samaysay gaadiidka dekedda isa soo dhoobay, ee doonaya inay daad gureeyaan raashinka caawimada ah, iyada oo uu raashinka caawimada ahi sii dul buuxiyey barxadda dekedda oo awalba la ciir-ciiraysay shixnado ganacsi.

Marka la eego ganacsatada iyo qalabka dhismaha ee ay hadda badeecaduhu kaga jiraan dekedda Berbera, waxa dareenkooda ka muuqda walaac ay ka muujinayaan nidaamka cusub ee lagu soo rogay, waxaana ka muuqda dareen ah in haddii ay maanta ka baxaan aanay mar dambe dib ugu soo noqon doonin dekedda Berbera, iyaga oo ku halaan-halaya inuu nidaamkani yahay mid iyaga lagu khasaaraynayo, macnihiisuna yahay orda oo iska taga, iyada oo ay guud ahaan kooxaha ganacsatada ahi aad uga dideen nidaamkan cusub ee lagu soo rogay, taas oo u muuqdaan niman aanay u cuntamin xisaab dhimid dhinaca cashuurta ah oo 30% oo dhawaan loo sameeyey.

“Cidina ma aqbalayso hal kartoon oo 20$ laguugu cashuuray, iyada oo kartoonkii la mid ahaana uu suuqa ku yaalo 5$ oo cashuur macal kharash ah” sidaa waxa yidhi qaar ka tirsan ganacsatada bagaashka.

Sida la ogyahay waxa dhawaan xukuumadda iyo ganacsatada bagaashka khilaaf cirka isku shareeray, kaas oo ka dhashay ka dib markii ay xukuumaddu nidaam cusub ku soo rogtay baadhista iyo hubinta badeecadaha debadda ka yimaada, taasina waxay keentay inay muddo bil ka badan badeecadaha bagaashka iyo qalabka dhismuhu dhoobnaadaan dekedda Berbera, hase yeeshee 22-kii bishan ayaa la soo afjaray khilaafkaa, ka dib markii uu wada dhexmaray madaxda maaliyadda iyo ganacsatada bagaashka, waxayse u muuqataa inaanay ganacsatadaasi ku qancin qorshayaashii ay xukuumaddu u soo jeedisay.

Top


Dubai: Xuddunta Ganacsiga Adduunka Ee Qarniga

Dubai (Haatuf): Magaalada Dubai ee dalka Imaraadka Carabta waxay imika ka mid tahay xarumaha ganacsi ee waqtigan xaadirka ugu dhaq-dhaqaaqa badan, waana xudun ganacsi oo xidhiidhisa wadiiqooyin ganacsi oo isaga gar gudba gobolo badan, isla markaana kala fog oo dunida ah, gaar ahaan qaaradaha Eeshiya.

A. Ducaale oo ka tirsan Wargeyska Haatuf oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa warbixin nooga diyaariyey waxyaalihii uu guud ahaan halkaa ku soo arkay iyo gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekedda Dubai. Iyada oo ay warbixintaasi si gaar ah u eegayso doorka ay dadka reer Somaliland iyo guud ahaan dadka Soomaalida ahi ku leeyihiin dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee halkaa ka socda iyo xataa xaaladda nololeed ee dadka reer Somaliland ee halkaa ka xoogsada, waana warbixintii “Sawaxan badan, dhaq-dhaqaaq ganacsi oo xaami ah, cimaarado dhaadheer oo saqafka isla galay, dad xadi dhaaf ah oo kala sinjiyado ah iyo cimilo kulayl badan oo dusha kaa leefaysa, waxay ka mid yihiin dabeecadaha nololeed iyo muuqaalka guud ee magaalada Dubai, ee dalka Imaaraadka Carabta.

Magaalada Dubai waa marinka ganacsi ee ugu weyn dalka Imaaraadka Carabta iyo khaliijkaba, waxaana dekeda ka sokow ay magaalada Dubai leedahay madaar caalami ah oo loo isticmaalo dhoofinta shixnadaha ganacsiga iyo socdaalada caadiga ahba, isla markaana waa xarun ganacsi oo caalami ah, laakiin Dubai wakhtigan xaadirka waa xudun ganacsi oo xidhiidhisa wadiiqooyin ganacsi oo dunida ah, waxayse si gaar ah isugu xidhaa gobolo fog-fog oo Eeshiya ah iyo gobolo Afrika ah.
Nidaamka ganacsi ee magaalada Dubai laba qaad ayuu uga gudbaa ama uga gooshaa furdadaa, kuwaas oo kala ah dib u dhoofin iyo ka dhoofin ama ka dejin toos ah.

Dib u dhoofintu waxa weeye, badeecado ganacsi oo laga keeno dalal ka mid ah Aasiyada fog, sida Thailand iyo Malaysia, kuwaas oo marka hore lagu dejiyo dekeda Dubai ka dibna loo gudbiyo meelo kale oo ka mid ah dalalka Afrika.

Qaabka labaad-na waxa weeye badeecado laga iibsado magaalada Dubai gudaheeda, ka dibna loo dhoofiyo debadaha iyo waliba badeecado loo iibgeeyo sida xoolaha nool ee Soomaalida.

Inkasta oo badeecadaha ganacsi ee ka soo gudba marinka Dubai iyo guud ahaan dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee magaalada Dubai uu aad ugu xidhan yahay gobolka bariga Afrika, haddana marka laga hadlayo dhinaca Afrika dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee ka soo fufa marinka Dubai, waxay Afrikada bari uga sii gudbaan dalal kale oo Afrika ah, sida Koonfur Afrika iyo xataa galbeedka Afrika, taas darteed wadiiqooyinka ganacsi ee ay Dubai xudunta u tahay waxay ka kala yimaadaan, ka dibna ku kala faafaan gobolo aad u kala fog fog oo ku kala yaal qaaradaha waaweyn ee Eeshiya iyo Afrika.

Marka aad eegto dadka ajanabiga ah ee ka baayacmushtareeya Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada dekedda ah ee Dubai waxa ugu badan dadyaw Afrikaan ah, oo ay ka mid yihiin Soomaalida, Itoobiyaanka, Kenyaati iyo dad u dhashay Afrikada Galbeed sida Senegal, Ghana iyo Nigeria, laakiin marka la eego dadyawga ugu badan ee halkaa ka ganacsada Soomaalidu waxay noqonaysaa qolada 3-aad ama 4-aad, iyada oo uu ganacsiga Soomaalidu isaga gudbo deegaamo ay ka mid yihiin bariga Afrika, Koonfurta Afrika ilaa galbeedka Afrika, hase yeeshee shixnadaha halkaa laga soo dhoofiyo maraakiibta iyo doonyaha ka sokow, waxa kale oo iyaguna daad gureynta shixnadaha baayacmushtari ka qayb qaata diyaaradaha, kuwaas oo shixnado ganacsi ka qaado madaarka Dubai, geeyana meelo ka mid ah mandaqada bariga Afrika.

Marka laga yimaado badeecadaha ay Soomaalidu ka soo iibsato dalka Imaaraadka Carabta waxa kale oo ay u iib-geeyaan waxyaalo ay ka mid yihiin xoolaha nool iyo waliba waxyaalo kale, laakiin inta badan shixnadaha ay Soomaalidu ka soo iibsato dalka Imaaraadka Carabta, gaar magaalada Dubai waxay ka soo bad-galaan furdadaha Berbera (Somaliland) iyo Boosaas (Soomaaliya), balse sida la ogyahay badeecadaha Dubai laga soo iibsado oo u badan bagaash waxay badi u weecdaan furdada Boosaaso, iyada oo ay dadka halkaa wax kala soo dega ka mid yihiin dad badan oo reer Somaliland ah, waxayna ii sheegeen inay sidaa u yeelayaan cashuurta dekeda Boosaaso oo jaban iyo wax kala degisteeda oo hawl yar. “Ganacsigu cidna lama dhalan ee had-ba meesha uu dan bido ayuu u doog raacaa, sidaa darteed dekeda Boosaaso way nooga ilka qabawdahay dekeda Berbera, xaga cashuurta iyo xaga adeegaba”, sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ganacsatada reer Somaliland ee ku sugan magaalada Dubai, oo jawaab ka bixinaya mar aan weydiiyey sababta uu uga weecanayo dekeda Berbera, laakiin wuxuu intaa ku daray “Waxa laga yaabaa in baabuurka aanu badeecada ka saarno Boosaaso, uu ilaa 1000km in ku dhaw u socdo meesha aanu doonayno, laakiin waxaanu uga weecanay Berbera oo dhawr boqol u jirta meesha aanu badeecada geynayno cashuur badnaan iyo iyadoo aanad hawl yari badeecadaada ugala bixi karin, tusaale ahaan waxa laga yaabaa inay Berbera kugu qaadato todobaad inaad badeecadaada kala baxdo, isla markaana aad marto dhawr iyo toban xafiis, balse Boosaaso laba xafiis oo qudha ayaad maraysaa, isla markaana la bixida badeecadaadu waxay ku xidhantahay intaad kula bixi karto, haddii aad saacad kula bixi karto iyo haddii aad maalin kula bixi karto, sidoo kale dhinaca culayska cashuurta marka la eego, haddii la isku daro kharashka dekedda kaaga baxaya iyo kirada baabuurka kunka kiloo mitir soconaya mar walba nooga jaban kharashka dekeda Berbera kaaga baxaya.”
Sida la ogyahay saylada ugu weyn ee ganacsiga xoolaha Soomaalida waxa u ahaa dalka boqortooyada Sacuudi Arabia, laakiin taasi hadda way xayirantahay, sidaa darteed suuqa ugu weyn ee ay hadda Soomaalidu xoolaha u dhoofisaa waa dalka Imaaraadka Carabta, waxayna ka degaan dekedda Dubai.

“Waxaanu halkan keenaa adhiga, geela iyo lo’da, waxaanuna bishii keenaa ilaa 300 oo neef” sidaa waxa yidhi Cabdi Salaad oo ka mid ah shirkadaha halkaa ka ganacsada ee reer Somaliland, balse ilaa labaatan ku dhawaad shirkadood oo Soomaali ah ayaa halkaa ka ganacsada. Hase yeeshee marka la isku eego badeecadaha ay Soomaalidu halkaa ka soo iibsato iyo kuwa ay u dhoofiso ma aha wax isku dhigma ee waxa aad u badan badeecadaha ay ka soo iibsato.

Waxa kale oo shirkadaha halkaa ka ganacsada ama xafiisyada ku leh ka mid ah kuwa diyaaradaha sida Daallo Airlines, Damal Airline iyo Star Airline, waxa kale oo iyana xafiisyo xawaaladaha Dahabshiil, Mataan iyo Amal.

Sidoo kale waxa xafiisyo ku leh shirkado xoolaha ka baayacmushtareeya iyo sidoo kale xafiisyo ka shaqeeya hawlaha wax rarista iyo dejinta badeecadaha ganacsiga.

Waxa kale oo ay Soomaalidu ku leedahay magaalada Dubai meherado ganacsi, sida dukaamo ganacsiga dharka ah, cuntada, dahablayaal, makhaayado, hudheelo hurdo iyo waxyaalo kale, waxaana ka mid ah meheradaha caanka ah ee Somalida, hudheelka caanka ah ee la yidhaahdo City gold oo uu leeyahay nin reer Somaliland ahi.

Waxaad moodaa inay dawladda Imaaraadka, gaar ahaan mandaqadda Dubai aad uga faa’iidaysatay fursad la soo gud-boonaatay, taas oo ah inay furdadeeda u ogolaato inay noqoto meel uu ganacsiga aduunku isaga gud-bo, iyaga oo aan shuruudo ad-adag ku xidhayn, isla markaana intii suurtagal ah dadka ajnebiga ah ee halkaa ka ganacsada u samaynaya wixii tas-hiilaad iyo adeeg ah ee uu ganacsigoodu u baahan yahay, taasina waxay siisay fursad aanay haysan asaagood.

Marka laga yimaado baaxada ganacsi ee magaalada Dubai, waxa kale oo ka mid ah muuqaalada xiisaha leh ee magaaladaa, iyadoo ah magaalo aad u dhisantay, isla markaana marka aad eegto muuqaalkeeda dhinaca quruxda waxa lagu tilmaami karaa mid ka mid ah magaalooyinka ugu quruxda dunida maanta, taas oo aan odhan karo cadad ma leh dabaqyada wada muraayadda ah oo daruuraha saqafka la galay.

Marka laga yimaado dadka Afrikaanka ah ee inta badan ganacsiga u yimaada, waxa kale oo iyaguna magaalada Dubai aad ugu badan dad ay dhalashadoodu ka soo jeedo Eeshiyaan, sida Hindiya iyo Pakistan, kuwaas oo lagu tilmaami karo dadka ugu badan ee ku dhaqan magaalada Dubai, iyaga oo xataa ka badan dadka muwaadiniinta ah.

Runtii sharax ku filan kama bixin karo camirnaanta iyo jawiga ganacsi ee magaalada Dubai, waxayse dad aan la sheekaystay oo reer Dubai ahi ku tilmaameen Bayruudii qarniga, taas darteedna waxay dadka sooyaalka taariikhda ka faaloodaa saadaal kala duwan ka bixinayaan heerka ay maanta gaadhay magaalada Dubai dhinaca camirnaanta ganacsiga iyo quruxda, taas darteedna waxa su’aalaha la isweydiinayo ka mid ah, tolow muxuu ku dambayn doonaa horumarka Dubai, iyada oo taa macnaheedu yahay, fursadani ilaa qarnigee bay gaadhaysaa.

Top


“Badeecadaha Ganacsigu Waxay Gaadhaan Ilaa Afrikada Galbeed, Diyaaraduhuna…” Waraysi - Maxamed Yaasiin Gaba-Xadi (Colaad).

Dubai (Haatuf): “Dubai ama guud ahaan Imaaraadka waa meel wax badani ka socdaan oo la kala macaashayo, waxaana u arkaa inay dawladda Imaaraadku fahamtay fikradaha lagu gaadho guusha dhinaca horumarka, taas oo ah inay soo jiitaan ama soo dhaweeyaan cidkasta iyo macaamil kasta oo shisheeye, ka dibna way maaleen, waana ka faa’iideen, waxayna ku gaadheen horumarkaa aad arkayso” sidaa waxa yidhi Maxamed Yaasiin Gaba-Xadi (Colaad), isaga oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidha sida uu arko dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee Imaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada Dubai, iyadoo uu Colaad madax ka yahay mid ka mid ah shirkadaha reer Somaliland ee halkaa ka ganacsada.

Colaad waxa uu ka mid yahay ragga leh mulkiga shirkadda Daallo Airlines, waxaana fadhigiisu yahay magaalada Dubai oo ay shirkada Daallo ku leedahay xarun weyn, waxaana halkaa waraysi kula soo yeeshay dabayaaqadii bishii hore A. Ducaale oo Haatuf ka tirsan, iyada oo wax laga weydiiyey arrimo la xidhiidha dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee halkaa ka socda, doorka ay dadka reer Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidu ku leeyihiin iyo weliba kaalinta ay shirkadaha diyaaraduhu ku leeyihiin hawlaha ganacsi ee ay xudunta u tahay magaalada Dubai, wuxuuna ugu horeyn isaga oo tilmaamaya doorka ay dadka reer Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidu ku yeeshaan dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee halkaa ka socda yidhi “Dadka Soomaalidu guud ahaan iyo gaar ahaan dadka reer Somaliland-ba qayb wacan ayey kaga jiraan ganacsiga mandaqadan ka socda, waxaadna moodaa inay maalinba maalinta ka dambaysa ku sii fidayaan oo uu ganacsigoodu sii balaadhanayo, waxayna ku leeyihiin meherado waaweyn, isla markaana ilaa 20 shirkadood oo reer Somali ah oo ganacsi ayaa degan suuqyada xorta ah ee Dubai, kuwaas oo caalamkana ka baayac-mushtareeya”.

Colaad waxa uu u muuqday nin ilbax ah , isla markaana aad ula socda dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo macluumaadka la xidhiidha ee mandaqadda iyo guud ahaan caalamka, wuxuuna tafsiir dheer ka bixiyey sida ay wax u socdaan iyo sida loogu baahan yahay in laga faa’iidaysto fursadaha jira. Laakiin Colaad isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd kaalinta ay shirkadiisa iyo guud ahaan shirkadaha diyaaraduhu ka qaataan dhaqdhaqaaqa ganacsi ee halkaa ka socda waxa uu yidhi “Horta DAALLO xarun weyn ayey ku leedahay suuqa xorta ah ee Dubai, waxayna ka mid ahayd shirdaha dhiirigeliyey ee ay soo eegteen ama ku soo hirteen dadka ganacsatada ah ee reer Somaliland iyo guud ahaan dada Somalida ah, dhaqdhaqaaqaa ganacsina Daallo iyo shirkadaha kale ee diyaaraduhu qayb laxaad leh ayey ka ciyaaraan, isla markaaana adeegga cirku qayb weyn ayuu kaga jiraa dhaqdhaqaaqa nolosha ee dunida, markaa anagu waxaanu dhiirigelinay in badeecadaha dalka gudihiisa debedda loo soo dhoofiyo, sida xoolaha qallan iyo kaluunka”.

Maxamed Yaasiin (colaad) isaga oo ka waramaya sida uu guud ahaan u socdo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ay Dubai xudunta u tahay iyo sida ay diyaaraduhu uga qayb qaataan waxa uu yidhi “Magaalada Dubai waxay diyaaraduhu ka qaadaan badeecado badan oo uu qiimahoodu gaadhayo ilaa toban milyan oo doolar maalintii, waxaana badeecadahaa qaada dad Somali ah oo gaadhsiiya ilaa bariga Afrika, ilaa Kenya, ilaa Koonfurta Afrika iyo ilaa galbeedka Afrika, waxaana badeecadaha u socda Koonfurta iyo galbeedka Afrika lagu qaybiyaa suuq weyn oo Nayroobi ah, suuqaasna waxa badeecadaha geeya diyaaradaha. Dhinaca Somaliland-na waxay diyaaraduhu geeyaan xamuul cadadkiisu gaadhayo wiiggii celcelis ahaan 42 Tone, sidoo kale Jabuuti iyo Asmara waxay diyaaraduhu geeyaan xamuul gaadhaya ilaa 42 Tone meeshiiba, sidaa awgeed adeegga cirku door muhim ah ayuu ka ciyaaraa adeegyada iyo dhaqdhaqaaqyadada ganacasiga ee dunida”.

Colaad waxa kale oo uu ka waramay bal duruufaha ama dhibaatooyinka ay dadka Somalida ahi kala kulmaan dhaqdhaqaaqa dhinaca ganacsiga ee ay ku dhexjiraan, wuxuuna yidhi “Duruufaha dadka Somalida guud ahaan haysta waxa ka mid ah khibrad la’aan dhinaca ganacsiga ah, gacan-qabasho la’aan dhinaca duwalka ah iyo dadka badidiisa oo aan helin nasiib ay kaga qayb galaan fursadan, waxa kale oo duruufaha haysta ka mid ah baan la’aan, taas oo aanay haysan baan damiinta, iyaga oo isticmaala xawaaladaha iyo hab kale oo ah amaano dhiib iyo hebelow ii sii qaad”.

Colaad shirkadiisu waa shirkadda ugu weyn dhinac shirkadaha diyaaradaha ee Reer Somaliland ama Somalidaba, laakiin mar aan waydiiyey bal heerka ay shirkadiisu gaadhsiin tahay waxa uu ku jawaabay “Ilaa 17 goobood oo dunida ah ayey shirkadda Daallo isaga gooshtaa, waxaana u shaqeeya ilaa 120 shaqaale ah oo isugu jira jinsiyado kala duwan, laakiin marka la eego magaalada Dubai diyaaradda Daallo wiiggii waxa ka taga 6 duulimaad oo joogto ah, kuwaas oo ay 4 ka mid ahi tahay rakaab, halka ay laba ka mid ahina tahay xamuul, waxaase mararka qaarkood jira duulimaadyo khaas ah”.

Laakiin Colaad waxa uu dhaliilay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dadka reer Somaliland, taas oo uu sheegay inaanay sidaa u firfircoonayn kaalintooda ganacsi ee xarakaadka ganacsi dunida, gaar ahaan waxa uu farta ku fiiqay wax soo saarka khayraadka dalka gudihiisa oo uu ku tilmaamay inaan lagu dedaalin ama laga shaqayn soo saaristiisa iyo dhoofintiisa, isaga oo marka laga yimaaddo xoolaha nool, tusaale u soo qaatay midhaha beeraha iyo khayraadka badda, kuwaas oo uu sheegay in hadii laga shaqeeyo wax soo saarkooda iyo iib-geyntoodaba ay qayb weyn ku yeellan lahaayeen suuqyada ganacsiga, isaga oo sheegay inay shirkadiisu had iyo goor ka qayb qaadato dhiirigelinta iyo horumarinta wax soo saarka iyo dhaqdhaqaaqyada ganacsi.

“Haa waanu ku jirnaa dhaqdhaqaaqyo kale oo ganacsi”ayuu yidhi Colaad, isaga oo ka jawaabay su’aal ahayd inay shirkadiisu ku jirto dhaqdhaqaaqyo kale oo ganacsi, isaga oo dhaqdhaqaaqyadaa qaar ka xusayana waxa uu yidhi “Waxa ka mid ah wershadda hilibka Burco, dib-uhabaynta haamaha kaydka shidaalka Berbera iyo ganacsiyo kale”.

Top


“Reer Beereed Waxay Na Leeyihiin Awoodayadu Waa Intaa” Badhasaabka Burco

Burco (Haatuf): Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo ay weheliyaan qaar ka tirsan saraakiisha, hay’adaha dawladda dhexe ee gobolkiisa iyo hawl-wadeenada hay’adaha Samafalka ee gobolkiisa jooga ayaa shalay kormeer hawleed ku tagay tuuladda Beer oo qiyaas 30km ah dhinaca bari ka xigta magaalada Burco.

Sida uu ku soo waramay Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsan waxa ka mid ahaa saraakiisha badhasaabka wehelisay taliyaha qaybta booliska Burco Cabdi Ibraahim, isu duwaha beeraha maxamed Cabdi iyo rag kale, waxayna badhasaabka iyo ragga weheliyey kormeer ku soo mareen dhul beereed baaxadiisu dhantahay 11602, iyaga oo hadal u jeediyey dadka ku dhaqan deegaanka Beereed.

“Waxaan halkan idiin keenay inaad wax u qabataan reer Beereed, iyo inaad gacan ka siisaan baahiyahooda, isla markaana aad indhihiina ku aragtaan, sida ay horumarka iyo in wax lala qabto u doonayaan reer Beereed” ayuu yidhi badhasaabku isaga oo la hadlaya hawl-wadeenada hay’adaha samafalka, wuxuuna intaa ku daray “Si ay umad badani ugu dhiirato wax qabsiga dalkooda, oo aanay u mooraal jabin, waxaan leeyahay reer Beereed wixii ay tabanayaan wax ha looga qabto, waadna aragteen dhulka aynu soo marnay baaxadiisa, oo haddii si wanaagsan loo beero midhaha ka baxaa gobolada Somaliland oo dhan ayey anfici lahaayeen, beeralayduna waxay ina leeyihiin awoodayadii waa intaas ee wax nala qabta, markaa haddii aad hay’adaha samafalka tihiin waa inaad dadkan wax u qabataan, reer Beereed-na waxaan leeyahay waxqabadka yar ayaa waxqabadka weyn lagu gaadhaa ee hawsha halkaa ka sii wada oo ha caajisina, waxaadna soo bandhigteen hawl ay tahay in la idinku garab galo.”

waxa kale oo isna halkaa ka hadlay isu duwaha Beeraha gobolka Togdheer Maxamed Cabdi, isaga oo yidhi “Waxaanu dedaal gaar ah siinaynaynaa sidii aanu waxqabadka beeraha gobolka u horumarin lahayn, waxaana ka mid ah dhibaatooyinka beeraha gobolka Togdheer haysta Kinaalada oo wada xidhan, markaa muhiimadayada u weyni waxa weeye in beeraha Kinaalada loo furo, qolyaha hay’adaha samafalkana waxaan leeyahay waar arrinta kinaalada xil iska saara oo wax nagala qabta”.

Isu duwaha beeruhu isaga oo ka waramaya kinaalada beeraha ku yaala tuulada Beer waxa uu yidhi “Beeri waxay leedahay todoba kinaal oo waaweyn, oo uu badankooda Ingiriiskii qoday, kuwaas oo qaar ka mid ah dhererkoodu yahay 2km 2.5km, laakiin kinaaladaasi dhamaan way awdan yihiin, ilaa 13 sanadoodna wax dhooba qaad ah laguma samayn”.

Badhasaabka iyo weftigiisu intii ay tuulada Beer joogeen waxay soo booqdeen kinaalka ugu weyn kinaalada halkaa ku yaal, kaas oo magaciisa la yidhaahdo Skin, waxa qoday Ingiriiska bishii April ee 1957-kii, wuxuuna waraabin jiray ilaa 120 beerood, haddana wuu awdan yahay.

Top


Dawlada Hoose Ee Boorama Oo Qaaday Olole Ay Ku Banaynayso Jidadka Xidhan.

Boorama, (Haatuf) Maamulka degaanka Boorama ayaa Shalay bilaabay olole la doonayo in lagu banneeyo ama lagu ballaadhiyo jidadka magaalada, isla markaana lagaga sifaynayo qashin iyo qalab dhisme sida dhagaxa iyo niista oo xidhay jidadka magaalada qarkood.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal, Maxamed Cumar, Hawlgalkan Shalay oo uu horkacayey duqa Boorama Cabdiraxmaan Sh. Cumar, isla markaana ay ku weheliyeen xubno ka tirsan golaha deegaanka, joomitirrada, shaqaalaha, ciidaanka nabadgelyada iyo cagafyo, ayaa saaka hawshooda ka bilaabay xaafadaha koonfur bari ee magaalada loona yaqaanno Xalane, halkaas oo la baabiyey toban sees, isla markaana la qaaday xamuulllo dhagax iyo ciid ah oo muuddoyinba yaalay badhataamaha xaafadahaasi. Waxa kale oo la qaaday dayrar ood ka samaysan. Sida uu sheegay Duqa Boorama Cabdiraxmaan Sh.Cumar ,hawlgalkani waxa uu bilow u yahay qorshayaal dhawaanta Golaha Deegaanka Boorama iyo maamulka dawladda Hoose ku go'aamiyeen shirkoodii labaad waxna lagaga qabanayo arrimaha jidadka magaalada ,la dagaalanka xaalufka seeraha Boorama iyo xadaynta dhulbeereedka.

Dhinaca kale hawlgalkan maamulka maagaladu ku dhaqaaqay oo dad badan oo ku nool magaalada Boorama u arkayeen tallaabo hore uu u qaaday maamulka magaaladu ayaan dadka ku xaafadahaa qaarkood aan ka firxin isla markaan ay ka qayliyey sida wax loo qabanayo. Foosiya Cabdi Dugsiiye, kana mid ah dadka ku nool xaafadaha saaka laga hawlgalay, ayaa ii sheegtay in inkastoo loo baahanyahay jidad dadka iyo gaadiidkuba maraan haddana wadada ay maamulka dawladda Hoose u marayaan bannaynta jidadkaasi ay tahay mid aan caddaaalad ahayn."Waxaan hawshan u arkaa mid aan caddaalad ahayn. Waxaan ka xumahay waxa maamulka dawladdu noosoo ogeysiin waayey hawshan. Maxayse u burburiyeen seesaska iyo dhismahaygan iyadoo ay jiraan dad dhistay guryo sharcidarro ah ha ahaadeen jid kuwa ku yaalla ama meelo aan habboonayn aniguna warqado sharci ah oo ay maamulka dawladdu i siiyeen ayaan wax ku dhisanayey. Nama qabato in maanta uun la yidhaa jidbaad ku jirtiin iyadoon waxba naloo sheeginna la baabi’iyo.

waxaanan hawshan duqu wato u arkaa mid ujeeddo gaar ah leh oo loola jeedo in dad gaar ah lagaga dumiyo dhul ay sharcigiisa haystaan. Sidaa darteed waxaan maayarka iyo ragga u watana ka doonayaa inay noo caddeeyaan sababta annaga uun naloogu qaadayo dembi aannaan gelin ama sharcidarro inaan wax ku dhisanay.waxa kale oo ay ila tahay in shaadhka dawladda la doonayo in nalagu dhaco ama nalagu baabiinayo haddii kale xukumaddu haka fiirsato taallaabadan anay ka fiirsan ee ay nagula kacday," ayey hadalkeeda ku soo gaba-gabaysay Foosiya.

Top


HAVAYOKO Oo Siminaar U Furtay Koox Dhallinyaro Ah

Hargeysa (Haatuf): ururka dhalinyarada ee Havayoco ayaa shalay 30 dhalinyaro ah oo ka kala socda xaafadaha magaalada Hargeysa siminaar uga furay Hoteel-ka mingsing ee magaalada Hargeysa.

Sida uu sheegay madaxa ururka dhalinyarada ee Havayoco C/kariim Maxamed, siminaarkani waxa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah, waxayna ka qayb galayaashu ku baran doonaan casharo la xidhiidha kor u qaadida wacyiga siyaasadeed ee dhalinyarada reer Somaliland, iyada oo ay siminaarka casharo ka bixin doonaan hawl-wadeenada Havayoco iyo aqoonyahano kale, waxayna tahay su’aasha dhextaalka u ah siminaarkani “Waa Maxay Dimuqraadiyaddu iyo su’aalo kale oo la xidhiidha siyaasadda”, iyada oo ay ka soo qayb galayaashuna dhinacooda dooda ka yeesheen macnaha siyaasadda.

Sidoo kale waxa siminaarkan lagu baran doonaa casharo la xidhiidha ilaalinta xuquuqda aadamaha.

Top


Waxaanu Go’aansanay Inaanu Ka Go’no Degmada Gebilay

Haddii aanu nahay guddiga beesha deegaanka Tog-Wajaale (Reer Cabdi), markii aanu aragnay arrimahan:

Golaha Deegaanka Gebiley oo ku xad-gudbay distoorkii iyo xeerkii qaab dhismeedka deegaamada, taas oo uu soo fara-geliyey ismaamulka deegaanka Tog-Wajaale.

Markii uu gudoomiyaha degmada si khalad ah u sheegay inuu awood u leeyahay inuu xubnaha qaarkood jeebka ku haysto si uu foodku ugu dhaco sida uu doonayo.

Markii aanu aragnay dareen qabyaaladeed oo uu geliyey shacbigii ku noolaa deegaanka Tog-Wajaale, isla markaana uu doonay inay ka muuqdaan dad aan deegaanka ahayn oo isagu wato.

markii aanu aragnay dhibaatada dhinaca cadaalada ee maxkamadda Gebiley ku hayso beesha Tog-Wajaale, sida danyar deegaanka ah oo dhul ay leeyihiin iyo kuwii danta guud ee ay ahayd in wax loogu qabto deegaanka oo ay shakhsiyaad gaar ah u soo xukumayso.
Iyada oo shaqaalaha degmada Gebiley kor u dhaafay 300, laakiin aan waxba looga ogolayn deegaanka Tog-Wajaale.

Markii uu golaha deegaanka Gebiley ku gefay nidaamkii wakiiladda, taas oo ay Tog-Wajaale geeyeen wakiil aan laga soo dooran, taasina waxay lid ku tahay xeerka ismaamulka deegaanka.

Sidaa darteed indheer-garadka, odayaasha iyo dhamaan beesha deegaanka Tog-Wajaale waxay go’aan ku gaadheen inaan wax ka dhaxeeyaa jirin degmada Gebiley oo ay ka go’ayaan, hab maamulka degmadana waxaanu u sheegaynaa inay u taalo qaranka iyo deegaanka Tog-Wajaale, isla markaana haddii ay degmadaasi fara gelin ku soo samayso deegaanka, iyada ayaa ka masuula wixii dhaca.

Odayaasha bayaanka saxeexay
Cabdi Muxumed Nuur, Gudoomiye
Yuusuf Aleel Jibriil, Gudoomiye ku xigeen
Cumar Aadan Qaasaali, xoghaye
Cabdi Muxumed Obsiiye
Maxamed Cabdi Aadan
Ibraahim Cige Wayrax
Maxamed Jaamac Madar
Cabdi X. Cali
Axmed Jaamac Wayrax
Cumar Maxamed Xoodiye
C/laahi Muxumed Maal
Cabdi Xaashi Ibraahim
Haaruun Maxamed Xasan

Top


Wer-Wer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Q:2aad - Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle

Halkii ayey iska raaceen, markii ay xaafaddii ku dhowdahay ayuu warqaddii u dhiibay. “waaw! eesh calaa qurux! Ayaa sawiray?” ayey si farxad leh u tidhi. “Aniga ayaa sawiray waana mid aan adiga kuugu talo galay” ayuu cod meel dheer ka soo baxaya ku yidhi. Gurigii markii ay gashay ayey warqaddii kala furtay mise waxaba ku qornaa:

‘Ilhaan, tan iyo isbarashadeennii waxaad igaga meeraysay niyadda, naftaydii adiga ayey ku raacday. Kalgacalka aan kuu qabo dartiis ayaan kuu hibeeyey ruuxdaydii. Ilhaan sida aan kuu jeclahay jidiinkiina dartaa ayaan uga go’ay’.

Ilhaan oo soo bax is leh aroornimadii dambe oo dugsiga tegeysa, ayaa maqashay hadal Canaan iyo dirir ah oo ka imanayayay hooyadeed. “Ma shaqayste ayaad tahay. Tan iyo waagii aan is aroosannay koob biyo ah oo dhididkaaga ah kaama arag. Inan keliya ayaad adduunka ka naxdaa oo iyana shilin kaama sheeganayso. Maxaad faa’iido leedahay aqalka uunbaad ii dhex jiiftaaye?” ayey saygeeda ku lahayd. Inta uu Geelle dhirbaaxay ayuu “Aamus” ku yidhi. Baxduu is yidhina wuxuu isha qac ku siiyey inantiisi curad oo murugo wejigu madoobaaday. Isagoon ilmada ishiisa ka durduraysa dhabankiisa ka ilaalin Karaynin ayuu dhaafay; waayo muu jirin erey uu ku yidhaahdo iyo si uu inantiisa ugu sharraxo halka iyo sida ay colaaddu ku timid. Ciil naftu kaagama booddo, waa dhaqaalle la’aan iyo faqri daba dheeraaday waxa isku diray labadeedii waallid ee ay iyaga uun ifka ka eeganaysay. Ma lahayn awood ay ku furdaamiso oo ardeyad ayaabay ka ahayd shaqo ay raadiso; waxayse rajadeedu ku xidhnayd marka ay dugsiga sare dhammayso inay shahaadada ku hawl gasho.

Caga jiid iyo werwer ay kaga walaacsanayd waxa dhici doona haddii ay xaalladdu sidan ku sii socoto ayey dugsigii ku tagtay. Geed bay hoos fadhiisatay oo waxa mar walba maankeeda ku soo dhacayey odhaahihii kululaa gartana ahaa ee hooyadeed ka soo yeedhayey; dhirbaaxadii ayey xasuusatay, ‘bow’dii dhacday ayey dhabanka is qabatay. Xilligaasi oo ay soo ambabartay ayaa waxay indhaheedu ku dheceen wiilkii jawaabta ka sugayey ee Cabdi ahaa. Salaan kaddib isagoon ogaanin xaaladda jirta iyo jawiga ifafaalihiisaba ayuu judhiiba soo qaddimay wixii isaga u darnaa. Jawaabtii bay ahayde wuxuu ku yidhi “ waxaan filayaa inaad jawaabtii oo waafiya ii siddo?”.

Ilhaan: “Haa, laakiin waxaan ka cabsi qabaa inay kaa nixiso”.

Cabdi: “marley inay iga farxisaan ku han weynahay”.

Ilhaan iyo inankani aqoontoodu aad ayey u qoto dheerayd. Waxay ahaayeen arday isku fasal ahaa ilaa iyo dugsigoodii dhexe, dhinaca kalena jaar ka ah. Laakiinse waxa fajicisada ku keentey iyada oo aan marnaba filanaynin ereyadan oo kale inay afkiisa kasoo yeedhaan amma ay inyar uun maankiisa ka soo gaaxdaan. Ma garanayso wax ay tidhaa laakiise waxay isku deydeyeysay in ay tusto dhabbadii uu ku qanci lahaa. “ Horta wiil aad u wanaagsan ayaad tahay, in aan kaa nixiyana ma jecli jaarnimadeena iyo aqoonteenna dheeraatay darteed. Warqadda aad ii soo qortay aad ayey u wanaagsanayd una qurux badnayd laakiinse, wax aan anigu ka tari karaa ma jirto; waayo, jacayl waan ka yarahay sheekana waan ka weynaaday ee mustaqbaalkaaga ha ku ciyaarin,” ayey tidhi. Waran afaysan iyo filan waa ayaa ku dhacay, hase yeeshee ereygii ugu dambeeyey inta uu qabsaday ayuu degdeg ula soo booday “ Mustaqbalku waa guur, tacliin, iyo lacag ee maxaad igu nacaysaa!”.
Ilhaan kolka way xanaaqday oo weji urursan iyo horuuf ayey kaga dayaamisay masay illaawin tixgelintii ay siinaysay “walaalow marnaba ha ku hamiyin, hana ku riyoon inan mar qudha ku soo jalleeco”. Kamuu hadhine iyada oo sii socota ayuu ka daba yidhi “ Ilhaan, isug, horta weli go’aanba islamaynaan meel dhigine …een…”.

Inta ay cadho furtuurtay ayey kol keliya kor ugu dhawaaqday “Kuuma jeeddo naftayduye ha ku daallin’ ” taasi oo ardaydii iskuulka mar keliya soo wada jeedisay. Maraara dillaac ayuu bartii la fadhiistay, isaga oo maankiisa xawli uga shaqaysiinaya. Go’aankiisii wuxuu noqday in aanu gabadhaa mar dambe agteeda ka wareegin.

La soco.

Top


Raadyow Ma Qaloocshe, A. A. Garas.

Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydun uga barateen inuu wararka dunida idinka dibiriyo, laakiin akhyaartiisa indhaha buurbuuranow maanta wuxuu idin huluuqsiinayaa Gabay geedkaa le’eg. Gabaygaasi waa ereyadii Asli Internet (Abwaan Cali Carab):

Allow yaa Cigaal uga warama
Caawa waxa taagan,
Allow yaa wax lama caasiyee
Caadka uga qaada,
Allow yaa cibaarrada jirtiyo
Muuja curufkeeda,
Waa tuu ciyaal iyo ka dhigay
Caamadoo kala’e,
Caynkay wakiilladu faleen
Yaa warka cajiima,
Curadkuu ka tegay yow bandhiga
Ceebo waxa haysta,
Cabanaan daraadeed inuu
Ciil la ladi waayay,
Oo uu catow xaalku yahay
Caawa yaa u tebiya.

Cashadii Rayaaluu lahaa
Cidi danayn mayso
Ee uu codkiisaba ka dhigay
Ciyow dhawaaqaayaa,
Carradaba inuu keli xukumo
Caawa yaa u tebiya.

Inuu qaybe caranaayo oo
Coobo karinaayo
Oo uu cirkaa sare u baxay
Caawa yaa u tebiya.

C/qaadirkii ina jirdee
Coofka kor u taagay,
Ee golaha caynkuu rababa
Ugu ciyaaraayay,
In Cimaamadii lagala degay
Caawa yaa u tebiya.

C/qaasim inuu Jaamac yare
Cudur u soo dhiibay,
Oo cadiig ugu dul deggay
Gegidan ceegaagta,
Oo uu caara-dhuub iyo rasaas
Ciiro kaga yeelay,
Oo cashuur guratadii
Carartoo yaacday
Oo uu diyaarado cawaray
Caawa yaa u tebiya.

Ina Xaashiguu celin jiree
Meel cidlo ah taagay,
Ee uu culays wuxuu lahaa
Laba cod gaadhsiiyay,
In wasaarad sare loo cayimay
Caawa yaa u tebiya.

Maaliyaddii cirir baa ku dhacay
Cidi ilaaweyne,
Haddaad weel camiran aad ogayd
Ma laha caanteyne,
Raggii caymarada ruugi jiray
Caato socon waaye,
Iyana kama cunaan
Ruux kalena kama casuumaane,
Cawilkaad ogayd baa ku helay
Cay wadaniyeede,
Isna in aanu cid u jooninayn
Caawa yaa u tebiya.

Cabdi Daahir dabaddaa
Inuu calool xumaan muujay,
Oo aad colkaad ururisiyo
Culimadii jiidhay,
Oo uu xisbigii cururuq galay
Caawa yaa u tebiya.

Saleebaankii caynkaad ogeyd
Laysku cudud beelay,
Ee cadhada lagu kala tegee
Laga carowsiiyay,
Wuxuu cago-gubyoodaba
Inuu Udub ku soo ciiray,
Oo uu casuumado ka dhigay
Caawa yaa u tebiya.

Aqalkii caddaayee
Dadkaba laga cilaalaayay,
Ee qofkii caddeyn toosa wadan
Laga ceshiimeeyay,
In ciyaalo hoos yaacayaan
Caawa yaa u tebiya.

Cumar Geelahaad caydhisee
Cadan in weyn dhaafay,
Inuu soo rogaal celiyayoo
Cuunka dhinac joogo,
Ceel-gaal inuu soo fadhiyo
Caawa yaa u tebiya.

C/laahi ina Yuusufkii
Carar ku dheeraaday,
Ee laga cabsoon jiray
Markuu helo ciwaankaaga,
Caynaba inuu soo duldhigay ciidan
Caawa yaa u tebiya.

Suldaanaduu waxbadan ciijiyee
Caga-juglaynaayey,
Aan laga cabsoon jirin
Hadday camal is qaadqaado,
In siyaasadii laga cakiray
Midiba qayb cuurtay,
Oo ay codbixintii galeen
Caawa yaa u tebiya.

Cawlna kama dambayn
Maalintuu ciidda hoos maraye,
Waa tii cambaar lagu dhuftiyo
Caabuq gooniye eh,
Isagana cabudhin wixii ku dhacay
Caawa yaa u tebiya.

Xaajigii ciroobe haddana
Midaba cayn meeyay,
Ciyaartii dhawayd maalintii
Laysku cayntaarshay,
Kubadii carceertee
Darbado culus ku soo laaday,
Inuu goolka caadi ugu dhigay
Caawa yaa u tebiya.

Xasan waxa codkii loola hadhay
Curuq u sii yiile,
Ceelkii Berbera iyo dhulbaa
Loogu ciil qabaye,
Isagana cadbaa lagu tuhmiyo
Calafka qaarkiiye,
Isagana inaan cidi u bixin
Caawa yaa u tebiya.

Doorashadii canbuul bay ahayd
Amase caal-waaye,
Cadamigii la magacaabay baa
Cayn kalow rogaye,
Cuqaal baaba maamulaysay iyo
Culimaa’udiine,
Inta cuud ku maqan baa ka badan
Ciidda jareereede,
Iyadana inaan cidi ku dhiman
Caawa yaa u tebiya.

Carabtaad necbayd waxa qabsaday
Collaan la koobayne,
Cirkaa lagaga soo degay
Sidii qoladii reer Caade,
Ciraaq iyo Sadaam baan laheyn
Curadadoodiiye,
Caymad buu ku maqan yahay
Raggii calanku saarnaaye,
Caamir Muuse erey kuma dhiciyo
Cadan kuwii yiile’
Coday iyo Qusaygii la dilay
Cidi ma aasayne,
Carafaad kolay tahay
Hadday wada cabaadeene,
Maxamuud Cabaas kala batiyo
Curufkii Shaaroone,
Intay maanta kala cabanayaan
Caawa yaa u tebiya.

Caaridnimo raggii diidi jiray
Hadal cadaantaada,
Carab dalab leh iyo bay arkeen
Kala caloolyow’e,
Cisi iyo Allaa sharaf lahoo
Cidi ka weynayne,
Inay calan-castii ay dartaa
Cadho wareegayso,
Ay calaacal ku ooyayaan
Cidi ma kuu sheegtay.

Caasimaddu sidiibay haraad
Uga cabsootaaye,
Sidiibay ula wada ciirsan tahay
Dad iyo ceeryoone,
Cadadkooda lama koobi karo
Cuurka wada yaalle,
Carabtiyo nasaaradu ka badan
Cal iyo buuraha’e,
In caagado kuyuu lagula jiro
Caawa yaa u tebiya.

Ciidamadu sidii bay hadhuudh
Ugu casheeyaane,
Canjeerada kolay tahay ma jiro
Calaf ay quutaane,
Wax cadabiya mooyiye
Ma arag ruux ka caafiya’e,
Cutubyada waxa hagga
Ninkii caarifee adag’e,
C/samad inuu taliye yahay
Caawa yaa u tebiya.

Cayn-na maaha BBC-dii
Codadka dheerayd’e,
Ciduun baa is magacowday
Bay weli la ciirraane,
Cabdille xasankii laga gudbay
Dib u cusbeeyeene,
Cilad raagtay bay soo fadheen
Sida carruureede,
Inuu Cawke uu dumar na baray
Caawa yaa u tebiya.

Usaama-ba sidii buu u yahay
Cayngal baadiye’he,
Celiyayda mooyiye ma jiro
Caawinuu helaye,
Cilaaqaadkii Yurub kala jariyo
Carabtii reer Shaame,
Maraykaankii waa kaa cadibay
Caasiga ahaayee,
Canbihii bislaadiyo ka didi
Canabkii tuuraaye,
Cawarkii sucuudi carabiyee
Caawin jiray gaalka,
Inuu meel cidhiidhiya ku riday
Caawa yaa u tebiya.

Caanood Riyaalihii tagee
Calanka loo taagey,
Carruuriyo ciroolaba markii
Sacabka loo coogay,
Casar gaaban goortay ahayd
Ama cadceed hoose,
Ee uu cirfiid ku habsadiyo
Cadowyo mooryaani,
Adimada inay ciirsadeen,
Caawa yaa u tebiya.

Nin cadiin qudhqudhiyaba
Marbay cidi ka jiidhaaye,
Cosobsiga raggii guran jiriyo
Cobosha laalaada,
Ee aan cisayn jirin khalqiga
Lana cashuureynin,
Carshigaa maruun lagaga iman
Maal ninkii cunaye,
Cuqubadu ma sii socota iyo
Culuq la doonaaye,
Camam badan wixii naga maqnaa
Caadil noo dhiciye,
Inay ganacsatadii cabanayaan
Caawa yaa u tebiya.

Cali waran-cadana siduu yahaan
Kuu cabirayaaye,
Isagiyo cawaalaba
Cidlay ununufaayaane,
Carruuruhu ma yeeleen
Waxay camalka moodeene,
Cayn maanso oo hore curtaan
Caawa leeyahaye,
Caatada riyaha lama qashiyo
Cawlka joogsadaye,
Ceesaan nin loogaa war ma leh
Ceebna waa u halise,
Caaniyo baruurbaa nin ragga
Caafimaad tara’e,
Haddii aad sad culus doonataan
Idinma caynayne,
Iyagana inay cududay dani
Cidi ma kuu sheegtay.

Top


Arday Qalin-Jebisay Iyo Hay’adda AET

Hargeysa(Haatuf): Koox arday ah ayaa shalay shahaadooyin la gudoonsiiyey, ka dib markii ay ka qalin jebiyeen machad ay leedahay hayadda Africa Educational Trust ee xarunteedu tahay magaalada Hargeysa, waxaana xaflad arintaa la xidhiidha lagu qabtay xarunta hayaddaa, iyadoo ay halkaa hadalo ka jeediyeen qaar ka tirsan saraakiisha hayadaa iyo madax wasaaradda waxbarashada ka socda.

Laakiin agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada C/raxmaan Maxamed Maal ayaa ugu horayn xafladdaa ka hadlay, wuxuuna tafaasiil ka bixiyey qiimaha ay aqoontu leedahay, isla markaana waxa uu da’yarta ku guubaabiyey inay ka faa’iidaystaan fursadaha waxbarasho ee soo mara.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Xasan Embassay oo ah madaxa hay’adda African Educational Trust, xafiiskeeda Hargeysa, wuxuuna ka waramay heerarkii waxbarasho ee uu soo maray mac-hadka ay ardaydani ka qalin jabisay, isaga oo ku tilmaamay inuu mac-hadkani yahay mid tayo waxbarasho leh.

Xasan waxa kale oo uu ka waramay waxqabadka iyo ujeedooyinka hay’addan oo ka soo jeeda dalka Britain, isaga oo yidhi “Ardaygii ugu sareeyey ee ardayda ka qalin jabisay mac-hadyada ay hay’addani ku leedahay dalalka Geeska Afrika waxa uu ahaa arday reer Somaliland oo la yidhaahdo C/Kariim Ibraahim Jaamac”.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay sarkaal ka tirsan hay’adda African Education Trust oo sheegay inuu ku faraxsanyahay in ardaygii ugu sareeyey uu noqdo arday reer Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inay sharaf u tahay Somaliland.

Top


Cudurrada Mafrishyadda.

Qore: Dr. A. Y. Gabalaax

3. Mafrishka Waraabe Gogladey.

Kadib geedka saarka leh ee Jaadku markuu ka soo fakadey xuurtadii Xerta, Wadaadka iyo Muruudkiisii muddada dheer sida qarsoodiga ah ugu cunnaayey ardaayada feegarka qoraallada iyoi akhriska kutubta, waxa uu si aan qaaf-reeb lahayn u dhex quusey dhammaan bulshadda dabaqadaheeda kala duwan, isagoo la jebiyay xeerkiisii Hab-dhaqanka wacan ee cunista geedka Rooxaaniga ah “KAATUS UDILUS”, waxana lagu arkay cabashooyin badan mafreshka waraabe gogladey oo ay ka mid yihiin Callool-ololka “Dab cunka” oo ah magaca kale ee loo yaqaan goobta muqayilka.
Dhaar-beenlowga wax dillaala, kan wax kireeyeekan ah ganacsadaha dulsaarlowga ah ee sida naxariis-darrada u dul-fuulla bucshuradda sida qaalibka ah ummaddu u quudato una isticmaasho iyo macaamilka kale ee maalinlaha ah.

Mafrishka Dab-cunka ama “Waraabe gogladay” waxa lagaga cawddaa cudurrada cunno xannuunka jugta kackaca dabeyshu keento ee saableyda, dhan-jafka raaran ee koodadka iyo isha dusheeda iyo gaastariga jeedhadhka Caloosha iyo xiidmaha.

Waxa kale oo muhiima in la xuso astaamaha wadaa jaagga ee kooxdan sida Bacda, khaakhaayir dulleed, indho taag-taaga, Surucleyda oo ay ku caan yihiin dadka CUNNA, RI’BADDA iyo kuwa ku ceesha dhaarta beenta ah, kuna khidada fadhigga jaadka khiyaamooyinka macaamilka meheredeysiga.
Kooxda Mafrishka Waraabe-gogladey oo aad moodo dad asxaaba, haddana wey kala faqfaqaan, waxaanay isku xannibaa oo ay fursadaha iskaga xayiraan ijabane la iskaga baxsado inta loogu fadhiyana la soo danneysto, waana farsamo nin xaasid ahi soo saarey ijabanuhu.
Ehlu mirqaanka qaadku waa kuwa hurra in ay mirqaan ku iibsadaan lacag badan oo ay kala bakhaylaan in ay lafahooda wax ugu cunaan, laakiin khasaarahaa badan ee ay wakhtiga iyoi dhaqaalahaba kula dagaalamayaan, waxa qudha ee faa’iido laga hayaa waxa weeye kelmedo suuqdi ah oo ay ku soo kordhiyaan Af-Soomaaliga, kelmadahaas oo aan weli ku baahin bulshada, laakiin laga isticmaalo mefrishyada.

Luqada kooxdu: Waa uu qarxayaa (waxa laga helayaa macaash fooqal caqli ah)

Waan la jiidhay (isagoo ama iyadoo mashquulsan baan ka iibiyey)
Indhahuu I qabtay (Wuu i cameeyay).

Waa Waraabe gogladay (Ma bixiyo lacagta alaabta loo dhigo ama khidmadda, iwm).

Waan rideeyay: (Qasab baan ku socodsiiyay waa gellin hore iyo barqo dheregii).

Mafreshku inta badan waa ku meel-gaadh kooxdiisu kac-kacdo oo ilaa habeen wax ka dilaalato ama wax kala iibsato. Cabashada Mafrishka waraabena waxa u dawo ah quudashada dakhliga ganacsiga iyo dilaalista banaan ee xalaasha ah.

La soco Salaasadda dambe…

Top


Pakistan Oo Dawladda Hindiya Ugu Baaqday Xal U Helidda Khilaafka Dhexyaala

KARACHI:- Dawladda Pakistan ayaa ugu baaqday inay ka soo qayb gasho xukuumadda India heshiis laba geesood ah oo ay dawladda Pakistan diyaarisay, Pakistan waxay ballan qaaday inay si ba,an ula dagaalami doonto argagaxisada iyo ururada xag jira ee ka soo gudba xuduudka labada dal ee pakistan iyo india.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan Mudane Khurshad Mahamoud Kasuri ayaa sidaasi ka sheegay shir jaraa,id oo uu maalintii shallay ku qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda iyo dalxiiska ee magaalada Karachi, isaga oo dhawaan ka soo laabtay waddanka Britain, Mr. Khurshad Kasuri wasiirka arrimaha Dibadda ee Pakistan oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi "waxaanu ugu baaqaynaa Dawladda India inay ka soo qayb gasho shir laba geesood ah oo loogu gogol xaadhi doono mid dinacyo badanleh oo aanu soo diyaarinay" isaga oo hadalkiisa sii wata wasiirku wuxuu shaaca ka qaaday "in dawlada Britain iyo weliba xubnaha golaha Common Wealth (Barwaaqa sooranka), ay dhex dhexaad ka noqon doonaan wada hadaladaasi, waxaana lagu qaban doona waddanka Britain iyada oo waddanka in giriiskuna uu qayb libaax ka qaadan doono"
 Wuxuu wasiirku sheegay in aanay Pakistan keliya danaynayn xallinta khilaafadka qarniga ku dhaw ee JAMMU iyo KASHMIR, balse ay xeerinayso dawladda Pakistan xidhiidh saaxibtinimo oo ka hanaqaada labada dal, iyo Nabad aslaxda oo ka hirgesha mandaqadda Koonfur Beri Asia.

 Mar la weydiiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan Mr. Kasuri in ay ka tanaasulayaan mawqifyadoodii ku wajahnaa JAMMU iyo KASHMIR, wuxuu wasiirku yidhi " Haba yaraatee wax iska bedlay ma jirin mawqifkayaga ku wajahan JAMMU iyo KASHMIR, wax cadaadis ah ha noqoto mid militery ama diplomasiyadeed oo nalagu saarayna ma jirto dhinac kasta ha ahaate, waxaanu miiska la soo fadhiisan doona waxay noqon doonta ajandayaal wax ku ool ah oo meel dhexe la isugu iman karo waa haddii Xukuumadda India la timaado tanaasulad" ayuu yidhi Mr. Kansuri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan.

Mar la weydiiyey Wasiirka in labada Ra,iisal wasaare ee India iyo Pakistan ay dhawaan ku kulmi doonaan magaalada Newyork wuxuu wasiirku ku jawaabay "Raisal wasaarahaygu haddii uu kula kulmo Atal behare Delhi iyo haduu kula kulmo New York, runtii waxaanu isku hor fadhiisanayna waa waji keliya iyo ajande keliya oo laba dhinac ah balse wada xaajoodka iyo wada hadalku waa mid aanu si weyn usoo dhawaynayno fursadna usiinayno xukuumadda india."

Labada dal ee India iyo Pakistan waa laba dal oo ku hubaysan hubka khatarta ah ee Nuclear Weapons ka loo yaqaano, Muddo hal qarni badhkii ah ayey labada dal waxay si ba,an ugu muran sanaayeen, dhulka dheer ee ku dhararan xuduudka beri ee labada dal ee loo yaqaano JAMMU iyo KASHMIR, halkaasi oo labada dalba ay dhinac maamulaan, Xukuumadda Pakistan waxay mar weliba soo jeedisa in JAMMU iyo KASHMIR la siiyo madaxbanani oo ay labada dalba ka madax banaanadan xagga waddanka India ay ka go,antahay in aanu marnaba gacanta ka saarin JAMMU iyo KASHMIR, sannadkii 1995 kii ayaa labada dalba waxay si habsami ah u tijaabiyeen dhuumaha waaweyn ee xanbaara hubka halista ah ee Nuclear weapons ka loo yaqaano, waxaanay dhawr jeer sannadkii ina soo dhaafay qarka u saarmeen inay isku dhacaan, waxaanay kala xidheen dhamaan duulimaadyada iyo isku socodka dhulka, balse muddo hal todobaad laga joogo ayaa waxaa dib u furmay isku socodkii basaskii u kala gooshi jiray LAHORE iyo DELHI, si kastaba ha ahaate lagama yaabo inay si fudud ku gaadhaan labada dal heshiis midho dhal noqon kara oo u dhexeeya.

WAXAA SOO DIYAARIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN

Top


Philippine: Ciidamo Gadooday Oo Is Dhiibay

Manila (W.wararka)Dalka Philippines ayaa waxaa gacanta lagu dhigay Ramon Cardenas oo ka mid ahaan jiray wasiiradii dowladdii madaxweyhii hore Joseph Estrada ee la riday.
Qabashada wasiirkaa ayaa waxay dhacday ka dib markii ay boliisku weerar ku qaadeen guriga uu daganaa wasiirku, halkaas oo ay ka heleen hub iyo rasaas iyo calaamado casaan ah oo u eg calaamadihii ay wateen ciidamadii godoodka sameeyay ee tiradoodu kor u dhaafaysay 300 oo askari.

Kuwaas oo xoog ku qabsaday dhismayaal magaalada badhtamaheeda ah, haystayna muddo ka badan 19 saacadood, ka dibna isdhiibay iyagoon aan wax rasaas ah ridin.

Wararku waxa ay sheegayaan in haweyneyda madaxweynaha u ah dalka Philippines Gloria Aroya ay jeedinayso khudbad ay ku sharaxayso waxii dhacay u jeedisay shacabka Philippines.

Waxay Gloria sheegtay in ciidamadaasi gadooday in la soo taagi doono maxkamad milatari, hase yeeshee nin ka tirsan Aqalka odayaasha ee dalka Philippines oo isagu dhexdexaadiyay dowladda iyo ciidamada gadooday, ayaa waxaa uu sheegay in saraakiisha iyo ciidamada gadooday ay sheegeen arrimo mudan in la baadho.

Sidaas darteed, waxaa uu ku baaqay in la sameeyo baadhitaan rasmi ah oo uu horseed ka yahay baarlamaamku, kaas oo lagu baadhayo sababihii keenay in inqilaab la isku dayo.

Top


Ciidamada Maraykanka Oo Qaaday Olole Ay Kaga Hortegayaan Weerarada Ciraaqiyiinta.

Baqdaad (W.wararka)laba askari oo Maraykan ah ayaa dhintay qaar kalena way dhaawacmeen kadib markii weerar lagu qaaday kolanyo ciidaanka Maraykanka ah oo maraysay badhtamaha baqdaad maalintii shalay .waxaanay wararku sheegeen in ciidamada dhaawacmay ay xaaladoodu khatar tahay taasoo ka dhalatay weerarka lagu qaaday oo aad u cuslaa.

Wararkale ee ka imanaya ciraaq ayaa sheegaya in shan qof lagu dilay guri ay Ciidamada Mareykanku xoog ku galeen oo ku yaala xaafada Almansuur ee magaalada Baqdaad.

Dad Ciraaqiyiin ah oo daris la ah meesha uu howgalku ka dhacay ayaa sheegay in ay maqleen warar ku tirikuteen ah oo sheegaya in ciidamada Mareykanku ay baadigoobayeen madaxweynihii hore ee Saddaam Xuseen.
Nin gurigiisa ay ciidamada Mareykanku baadheen ayaa waxaa uu sheegay in waxba laga waayay gurigiisa.

Waxaana la filayaa in ay ciidamada Mareykanku dhawaan go'aan ka gaadhaan waxa ay ka yeeli doonaan meydadkii wiilashii Saddaam ee Cuday iyo Qusay.

Nin la yidhaah Ciisadiin Al Majiid oo ka mid ah dadka qaraabada la ah Saddaam Xuseen ayaa waxaa uu codsaday in loo siidaayo meydka si loogu aaso si shareecada Islaamka waafaqsan.

Markii la dilay Cuday iyo Qusay shan maalmood ka hor, ilaa iyo hadda ayaa meydadkaasi banaanka yaalaan, iyadoo ay gacanta ku hayaan ciidamada Mareykanku, waxaana loo diyaariyay meydadkaas in la sawiro si looga daawado tefeshanada caalamka.

Wariyayaashu waxa ay sheegayaan in maamulka Mareykanka laga sugayo in go'aan adag ka gaadhaan, iyaga oo la tashanaya culumada diinta iyo maamulka cusub ee Ciraaq, sidii ay meydka ka yeeli lahaayeen.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: “Madaxweynaha Somaliland Waxa Uu Kooxdayada Ku Marti-Qaaday Dalkooda Hooyo Inay Booqasho Ciyaareed Ku Yimaadaan.”

C/Fataax M. Caydiid.

Tabobaraha Kooxda Qurba-Jooga Somaliland Ee Northern Stars, Jaamac Ibraahim Warsame

London (W. Wararka) – Tartan sannadkiiba mar loo qabto kooxaha Qurba-joogga Somaliland iyo Soomaaliya oo ay ka soo qayb-galaan kooxaha heerka koowaad ee Qurba-joogga Somaliland iyo Somalia ee ku dhaqan waqooyiga Ameerika iyo Yurub, ayaa sannadkan ay ku guulaysatay kooxda Northern Stars oo metelaysay Qurba-joogga Somaliland oo tiraba markii 3aad ku guulaysatay Horyaalnimada Tartankan Somali Week oo lagu sannadkan 2003 dalka Kanada.

Kooxdan oo run ahaan mustaqbal wanaagsan leh, ayna ku jiraan dhallinyaro ciyaartoy wanaagsan ah, mustaqbalka soo socdana yeellan doona mid yididiilo fiican, ayaa laga yaabbaa in ay sannadkan daba-yaaqadiisa booqasho ku yimaadaan dalka Somaliland, kadib markii ay martiqaad ka heleen Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.
Tababaraha kooxdan Jaamac Ibraahim Warsame oo toddobaadkan yimi magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa ka waramay taariikhda kooxda Northern Stars ee uu tababaraha u yahay iyo tartankan ay ku guulaysteen ee Somali Week, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: “Kooxdani waxa ay jirtay ilaa iyo muddadii uu jiray koobka Somali Week oo la aasaasay sannadkii 1993-kii, iyadoo kooxdu soo martay heerar kala duwan, isla markaana lagu sameeyay isbedelo lagu horumarinayay kooxda, waxaanay kooxdu muddadii ay jirtay ku guulaysatay koobkan sannadihii 1998, 2001 iyo 2003.”

Tababare Jaamac, waxa uu sheegay in ciyaarihii sannadkan 2003 ee tartanka Somali Week ee ay kooxdiisu ku guulaysatay ahaayeen qaar ka duwan kuwii tartanadii hore, isagoo yidhi: “Ciyaarihii aanu ka qayb-galnay ee tartanka sannadkan 2003, waxa ay ahaayeen qaar ka duwanaa kuwii hore, kooxuhuna u soo diyaar-garoobeen si heer sare ah, ciyaartoyda kooxuhuna waxay u badnaayeen dhallinyaro runtii mustaqbal wanaagsan ku leh ciyaaraha kubadda cagta.”

Kooxda Nothern Stars, waxay bilowgii tartankan koobka Somali Week isku qayb (Group) ahaayeen saddex kooxood oo ka kala socday Boston, Seattle Washington iyo Somali United oo ka socotay Toronto, laakiin kooxda Boston ayaa ka baaqatay ciyaarahan dhibaatooyin soo food-saaray awgeed.

“Ciyaartii ugu horeysay waxa aanu la ciyaarnay kooxda Somali United, waxaanuna kaga adkaanay 5-1,” ayuu yidhi Tababaraha kooxda Northern Stars, Jaamac Ibraahim Warsame, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi:

“Ciyaartii labaad waxaanu iskaga hornimid kooxdii kale ee Seattle Washington, ciyaartaas oo aanu markii hore fududaysanay, balse waxay ku dhammaatay barbardhac, waxaanuna u soo gudubnay wareegii labaad.”
Jaamac waxa uu sheegay inay wareegii labaad kooxda Northern Stars iskaga horyimaadeen ciyaar koox la yidhaa Down Town oo ka socotay magaalada Toronto, ay ku dhaaftay 5-2, isla markaana ay kooxda Northern Stars u soo gudubtay wareega semifinals-ka oo ay foodda is dareen koox ka socotay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

“Ciyaartaasi waxa ay ahayd mid xiiso gaar ah lahayd, dadweynuhuna aad u sugayeen, taasna ay sabab u ahayd iyadoo ay kooxda Northern Stars ku jiraan ciyaartoy reer London ah, kooxdan kalena ka socoto magaaladii ay deggenaayeen ee London oo ay ciyaartoyda labada kooxoodna aad isu yaqaanaan.” Sidaa waxa yidhi Tababaraha kooxda Northern Stars, Jaamac Ibraahim.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Northern Stars waxay ciyaartaas u geysatay kooxdii ka socotay London, khasaare aad u weyn, waxaanay kaga badisay natiijo aad u sareysa oo ahayd 5-0, sidaasna ay ugu soo baxeen ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee koobka.

“Ciyaartii kama-dambaysta ahayd, waxaanu iskaga hornimid koox runtii la odhan karayay waa koox ay ku jiraan dhallinyaro mustaqbal leh, kana socotay magaalada Atlanta ee dalka Maraykanka, uuna Tababare u yahay tababare aad caan ugu ah xagga tababarka kubadda cagta dalkii Soomaaliya, laguna magacaabo ‘Giftin,” ayuu yidhi Jaamac Ibraahim, isagoo ku daray; “Ciyaartan waxa ay dadweynuhu filayeen in ay guulaysan doonto kooxdii Atlanta, balse waayo-aragnimo iyo awood aanu u sheeganay dhallinyaradaa ayaa noo suurto-gelisay in aanu ciyaartaa ku badino 2-0, koobkiina sidaa ku hannano.”

Tababare Jaamac Ibraahim Warsame, mar la weydiiyay in ay jiraan tartamo ama koobab kale oo ay ka qayb-galeen kooxdiisu, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi: “Haa, way jiraan oo waxaanu ka qayb-galnay tartan sannadkii hore lagu qabtay magaalada Atlanta, Georgia ee dalka Maraykanka.”

Tababaruhu waxa uu ka hadlay waxyaabaha ay damacsan yihiin koox ahaan in ay mustaqbalka qabtaan, waxa uu uu sheegay in ay damacsan yihiin in ay sannadkan dabayaaqadiisa tegi doonaan dalkii hooyo Somaliland, waxaanu yidhi isagoo arrintaa ka hadlaya; “Waxa kooxda soo hambalyeeyay, isla markaana martiqaaday Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isagoo ku martiqaaday in ay tagaan dalkii hooyo bisha December ee sannadkan dabayaaqadiisa,” waxaanu intaa ku daray in ay kooxda sidoo kale hambalyo u soo direen ciyaartoy waaweyn oo aad looga qadariyo Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliyaba, ayna ka mid yihiin Khaliif Riko, Cantar Macalin Giftin, Maxamed Faarax, Safiyo Cadeey iyo ciyaartoy kale oo faraban uuna halkan ku soo koobi karin.

Ugu dambayntii mar la weydiiyay Tababare Jaamac, siyaabaha horumar iyo isku xidhnaan loogu heli karo ciyaartoyda iyo guud ahaan ciyaaraha dalkeena waxa uu yidhi: “Ciyaaruhu waa in ay ka madaxbannaanaadaan aqoon iyo qabiil intaba, sida lagu xanto dhawr kooxood oo ka qayb-galay tartankan si loo helo ciyaartoy dhallinyaro ah, kana fayow cudurradaas oo idil, isla markaana mateli kara magaca Somaliland iyo guud ahaan Qurba-jooga Soomaaliya, iyo in la horumariyo lana joogteeyo tartamada noocan ah.”

Mudane Jaamac Ibraahim Warsame, tababaraha kooxda Northern Stars ee Qurba-jooga Somaliland, waxa uu u mahadceliyay dhammaan taageerayaasha kooxda iyo dadkii sida aadka ah uga soo shaqeeyay horumarka kooxdan, gaar ahaan Gudoomiye Muxiyadiin ‘Diinay’ iyo Mudane Axmed Ganey.

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top