Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 392 August 8, 2003

Weftiga Madaxweyne Rayaale Oo Iftiimin Ka Bixiyey Ujeedada Socdaalkooda

Maxkamadda Hargeysa Oo Oodda Ka Qaaday Maxaabiistii Siyaasadda u xidh-xidhnayd

“Waxaanu Qabnaa in aan dimuqraadiyada dalkeenu dhamaystirnayn, Arrinta Qaxootiga La Soo Celinayana…”

Ururo Wadaniya Oo Beeniyey Inay Hay’adda Novib Midaynayso Ururada Rayidka Ah Ee Somaliland Iyo Soomaaliya

Faysal Cali Waraabe Oo Dhalliilo Kul-Kulul Ku Cashariyay Madaxweyne Rayaale Iyo Xukuumadiisa.

IFTIINKA ISLAAMKA: Xal U Helida Mashaakilka Dhalinyarada

“Hooyo Nolosha Caydiga Naasahaga Weeyaan”, Waxa Curiyaay Heestan Rooble M. Issa (Quruurux)

WERWER ADUUN IYO WACDARO, Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle, Q: 9aad.

Hidde Samida Dhaqanka

Casho-Sharaf Lagu Sagootiyay Ciyaaryahanka Weyn ee Reer Somaliland Maxamed Ismaaciil Oo Ka Dhacday Stockholm


Weftiga Madaxweyne Rayaale Oo Iftiimin Ka Bixiyey Ujeedada Socdaalkooda

Weftiga Madaxweyne Rayaale Oo Iftiimin Ka Bixiyey Ujeedada Socdaalkooda

Adis-ababa (HaatuF): Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay laba kulan oo kala dambeeya la yeeshay madaxwyenaha iyo ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya, Girma Wolde Giorgis iyo Males Zenawi, iyadoo ay madaxweyne Rayaale iyo wefti uu horkacayaa doraad booqasho ku tageen dalkaa.

Sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada oo weftigaa ka mid ah, Cabdi Idiris, madaxweyne Rayaale waxa uu gelinkii hore ee shalay kulan qaatay 45 daqiiqadood la yeeshay Madaxweynaha Dalka Ethiopia Mudane Girma Wolde Giorgis.

Kulankan oo ka dhacay Qasrigii hore ee Boqortooyada, waxa uu Madaxweyne Rayaale uga waramay Madaxweynaha Ethiopia hawshii Somaliland u qabsoontay intii u dhaxaysay kulankoodii hore ee ay yeesheen markii uu madaxweyne Rayaale booqashada ku tagay dalka Itoobiya badhtamihii sanadkii hore.

Markii uu madaxweyne Rayaale madaxweynaha Itoobiya uga waramayey waxyaalaha u qabsoomay Somaliland waxa uu tusaale u soo qaatay doorashooyinkii is-daba jooga ahaa ee dalka ka dhacay, isaga oo ujeedada socdaalkoodu Itoobiya ku tilmaamay mid la xidhiidha taageerada ay Somaliland uga baahan tahay Itoobiya iyo sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal, wuxuuna Madaxweyne Rayaale hadalkiisa ku daray in arrimahaa ay dhaqan gelintooda wax wayn ka tari doonto horumarinta iyo degenaanshaha labada dal iyo mandaqadan guud ahaan. waxa kale oo uu Madaxweyne Rayaale si faahfaahsan uga waramay marxaladihii qadiyadda Somaliland ay soo martay oo uu ku soo gunaanaday in taageerada iyo ictiraafka Somaliland uu xataa fure u yahay, xallinta dhibaatada Soomaliya, maadaama ayuu yidhi “aanu annagu leehanay aqoontii iyo waayo aragnimadii hawshaasi”.

Madaxweynaha Ethiopia, Mr. Girma waxa uu isaguna sheegay in ay aad uga faraxsan yihiin wixii Somaliland u qabsoomay, isaga oo ku tilmaamay arrin geesinimo leh (Very Encouraging) oo dhiiri gelinaysa taageerada Somaliland.

Madaxweynaha Ethiopia oo aqoon dheer u leh Arrimaha Gobolka iyo madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale waxa kulankaa ku weheliyay Wasiirka Macdanta ee Ethiopia, dhinaca Somaliland-na waxa ku weheliyay xubnaha kale ee weftiga Madaxweyne Rayaale, iyada oo uu kulankaasi ku dhammaaday jawi wanaagsan, wuxuuna Madaxweyne Rayaale Guddoonsiiyay Madaxweynaha Ethiopia hadiyad maamka Somaliland ah oo ay ka muuqdaan taariikh muujinaysa inay Somaliland ahayd dal gaar ah ka hor intii aanay la midoobin Soomaaliya sannadkii 1960-kii. Waxa kale oo maamkaa ka dhexmuuqday muuqaalo muujinaya ama tilmaamaya khayraadka dalka ku jira.

Dhinaca kalena sida ay sheegeen warar dhinaca Addis Ababa ka yimid gelinkii dambe ee shalay ayuu Madaxweyne Rayaale la kulmay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Males Zenawi, laakiin faah-faahin dheeraad ah lagama bixin waxyaalaha ay labada dhinac ka hadleen, waxayse wararku tibaaxeen in waxyaalaha ugu muhiimsan ee weftiga Madaxweyne Rayaale kala hadleen hogaamiyayaasha dalka Itoobiya ay ka mid yihiin sidii ay aqoonsi diblomaasiyadeed uga heli lahaayeen Itoobiya iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal.

Weftiga Madaxweyne Rayaale waxay ujeedada ugu muhiimsan ee socdaalkooda ku tilmaameen inay dawladda Itoobiya ka doonayaan aqoonsi diblomaasiyadeed, iyaga oo yidhi “Maanta waxaanu idiinku soconaa inaad na siisaan aqoonsi diblomaasiyadeed”.

Sida ay wararku sheegeen waxa kale ay masuuliyiinta labada dhinac ka wada hadleen shirka kooxaha Soomaaliya uga socda dalka Kenya, balse faah faahin dheeraad ah lagama hayo sida ay masuuliyiinta labada dhinac isula falanqeeyeen arrimaha iyo araahday is-dhaafsadeen iyo inuu jiro wax go’aamo ah oo ay isla gaadheen. Laakiin wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Edna Aadan oo weftiga ka mid ah ayaa wakaaladaha wararka u sheegtay in ujeedada socdaalkoodu yahay taageero iyo aqoonsi diblomaasiyadeed oo ay Itoobiya ka helaan.
Weftiga Madaxweyne Rayaale oo arbacadii dorraad tegay dalka Itoobiya waxa madaarka caasumada Addis Ababa ku soo dhaweeyey wasiirka macdanta iyo biyaha dawladda Itoobiya Maxamuud Dirir iyo xubno kale, iyaga oo ku degay hotel-ka Hilton ee Addis Ababa.

Top


Maxkamadda Hargeysa Oo Oodda Ka Qaaday Maxaabiistii Siyaasadda u xidh-xidhnayd

Hargeysa (Haatuf): 9 dhalinyaro ah oo muddo saddex bilood ku dhaw xabsiga Hargeysa ugu xidhnaa rumaan ayaa shalay maxkamadda Hargeysa sii daysay, ka dib markii ay xeer ilaalintu maxkamadda horkeeni cadaymo la xidhiidha waxyaalihii lagu eedaynayey, taas darteed uu garsoorihii dacwadooda qaadayey xorriyadoodii u celiyey.

9-kan dhalinyarada ah oo 19-kii May 2003, xabsiga loo taxaabay, ka dib markii ay boolisku suuqa ka qab-qabteen, iyadoo ay xukuumaddu ku eedaysay falal dhinaca nabadgelyo darrada ah, laakiin markii shalay maxkamadda la horkeenay ayuu garsoorihii dacwadooda qaadayey sheegay in wixii lagu soo eedeeyey ay ahayd qaran dumusnimo, balse ay xeer ilaaintu maxkamadda horkeeni wax cadaymo ah oo la xidhiidha eedayntaa, isaga oo yidhi waxa la idinku soo eedeeyey qaran dumusnimo, balse maadaama ay xeer ilaaintu soo cadayn weyday kiiska la idinku soo oogay waxay maxkamaddu go’aansatay in xorriyaddiin la idiin celiyo, ka dib sidaas ayaa dhalinyaradaa xabsiga lagaga sii daayey barqadii shalay.

Dhalinyaradan oo ah taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, kana mid ahaan jiray dagaalyahankii ururka SNM, tan iyo muddadii ay xidhnaayeen waxa ka soo baxay dhawaaqyo badan oo lagu dalbanayo in la sii daayo, iyada oo dareenka laga qaatay uu ahaa inay u xidh-xidhanyihiin arrin siyaasadeed. Isla markaana gudoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo ayaa shir jaraa’id oo uu maalin dhaweyd qabtay ku sheegay inuu madaxweynaha Rayaale marar dhawr ah ka balan qaaday inuu sii dayn doono, laakiin wuxuu farta ku fiiqay inay balan qaadkaa raagsadeen. Waxaase jiray warar la isla dhexmarayey oo tibaaxay inuu xadhiga inamada aad ugu dheganyihiin madaxda sare ee wasaaradda daakhiliga, iyada oo la sheegay in intii ay jeelka ku jireen laga codsaday inay saxeexaan ama ogolaadaan damiin nuxurkiisu yahay inaanay dambi dambe u noqonayn, balse ay taa diideen.

Sidaa darteed ugu dambayn ay shalay maxkamaddu xorriyaddoodii u celisay, ka dib markii la waayey cadaymo marag fur u noqda wixii lagu eedaynayey.

Dhalinyaradaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

1.Maxamed Axmed Xaashi (Ina Weere)
2. Cismaan Aw Liqe
3. Maxamed Daahir Warsame
4. Kayse Axmed Cismaan
5. Nuux Axmed Jaamac
6. Axmed Barkhadle
7. Cali Aar
8. Nuur Guure
9. Axmed Xasan

Top


“Waxaanu Qabnaa in aan dimuqraadiyada dalkeenu dhamaystirnayn, Arrinta Qaxootiga La Soo Celinayana…”

“Xeerka Xakamaynta Saaxafaddu Maaha Mid Loo Baahan Yahay...,” Gudoomiyaha Somaliland Forum, Cali Aadan Cawaale

Hargeysa (Haatuf) – Gudoomiyaha ururka qurbajooga ee Somaliland Forum Cali Aadan Cawaale ayaa sheegay inaanay marna soo dhowaynayn, heshiis ay dhowaan xukuumadda Somaliland la gashay dalka Ingirriiska oo ay ku ogolaatay in la soo celiyo dadka u dhashay Somaliland ee qaxooti ahaan ku jooga dalkaa, wuxuuna sidaa ku sheegay waraysi uu maalintii doraad siiyay weriyayaal ka socday warbaahinta dalka.

Gudoomiyaha Forum waxa kaloo uu ka hadlay dhamaystirka doorashooyinka baarlamaanka iyo sida loogu baahan yahay in la dhamaystiro nidaamka dimuqraadiga ah, wuxuuna sheegay inay xukuumadda iyo golayaashaba hore ugu soo gudbiyeen talooyin ku saabsan sidii loo dhamaystiri lahaa nidaamka doorashooyinka ee dimuqraadiga ah, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi: “Horena waxaanu ugu soo gudbinay talooyin xukuumadda iyo golayaashaba, haddana waxaanu leenahay distoorku wuxuu ku xalaaloobayaa, marka si dhamaystiran loogu dhaqmo dimuqraadiyada dalkeenu u baahan yahay ee doorashooyinka Baarlamaanka oo ay hadhay tii ugu muhiimsanayd ee Golayaashii meteli lahaa dadka, mana aha inta muddo la kordhiyo la iska fadhiyo ee waan in shuruucda dhimman si degdeg ah loo dhammaystiro, taas oo suurto gelinaysa in ay asxaabta mucaaridku helaan meel ay awood ku yeeshaan dhinaca tallada dalka.”

Gudoomiyaha Somaliland Forum, waxa uu ka digay in aanay Baarlamaanku gaadhsiin dalka duruufo aanu u baahnayn dalkani, isla markaana ay dhammaystirka doorashooyinku iyaga ku xidhan yihiin, si dalku u noqdo mid ka dhisan xagga xorriyadda hadalka iyo Siyaasaddaba, isla markaana waxa uu ugu baaqay Guddiga Doorashooyinku in ay ka faa’iidaystaan khaladaadkii iyo murankii doorashooyinkii hore ka aloosmay, waana in ay wakhtiga ka faa’iidaystaan oo la helo xeerkii lagu kala saari lahaa sanduuqa saxa ah iyo ka khaladka ee aanay dhicin sidii tii doorashooyinkii Madaxtooyada iyo kuwii ka horeeyayba oo aanay hadhow u iman maxaynu yeelnaa.

Gudoomiyuhu, waxa kale oo uu ka hadlay heshiis ay xukuumadda Somaliland dhawaan la gashay Xukuumadda Dalka Britain, kaas oo ay ku ogolaatay in la soo celiyo Qatooxiga u dhashay Somaliland ee ku sugan dalkeeda, isagoo yidhi: “Arrintaasi waxay ahayd mid nagu soo booday, manaanu filayn sida Wasiirka Dib-u-dejintu ka sheegay warbaahinta in aanay jirin wax cad oo ay ku heshiiyeen ama dhaafsadeen soo celinta dadkaa, mana aha inaynu iska aqbalno niman Saraakiil ah oo ka socda laanta socdaalka dalabkii ay iyagu wateen. Tallaabadaa waxaanu u aragnaa mid aan wanaagsannayn, annagoo og xaaladda ay ku jiraan inta dalka joogtaa, waananu ka soo horjeednaa gebi ahaanba heshiiskaa, isla markaana waa mid ay dadku diideen gudde iyo dibadba oo aan raali laga ahayn.”

Gudoomiyaha Somaliland Forum, Cali Aadan Cawaale, waxa kale oo uu ka hadlay Maxaabiistii u xidhnayd Siyaasadda ee Mujaahidiinta SNM ee dalka u soo halgamay ka mid ahaa oo shalay Khamiistii la sii daayay, waxaanu yidhi: “Waxaa loo baahan yahay iyadoo la dhawrayo nidaamka dawliga ah in cid walba awoodeeda loo sheego, laakiin aanay ahayn in lagu xadgudbo xuquuqda mawaadiniinta iyo dastuurka dalka loo dejiyay, waana in ay xukuumaddu si degdeg ah dhallinyaradaa Mujaahidiinta ah, haddii dembi lagu hayo Cadaaladda la hor keeno, haddii kalena shuruud la’aan oodda laga qaado, waana gef xadhigga aan nidaamka dastooriga ah la soo marinin.”

Cali Aadan Cawaale, waxa kale oo uu ka hadlay xeerka Saxaafadda loo samaynayo ee muddo dhawayd aad looga qayliyay, isla markaana aanay weli Golaha Wakiilladu meel marin, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid aan gebi ahaanba loo baahnayn, isagoo yidhi: “Xeerka laga hadlayaa ee saxaafaddu, mid loo baahan yahay maaha. Qofka muwaadinka ah ee dembi ay saxaafaddu ka gasho, xaq waxa uu u leeyahay inuu cadaaladda ka dacwoodo oo uu horteeda ku qaato wixii uu leeyahay, waxayna saxaafaddu hadday dembi gasho ula siman tahay distoorka dadka, loomana baahna xeer xakamaynaya saxaafadda,” waxaanu intaa ku daray in ay hore ugu soo gudbiyeen Baarlamaanka qoraalo ay kaga dalbanayaan in aanay aqbalin xeerkaa.

Top


Ururo Wadaniya Oo Beeniyey Inay Hay’adda Novib Midaynayso Ururada Rayidka Ah Ee Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeysa (Haatuf): Afar ka mid ah ururada wadaniga ah ee Somaliland ayaa beeniyey inay hay’adda NOVIB qabanayso shir lagu midaynayo ururada rayidka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Afartan urur oo kala ah Candle Light, NEGAAD, HAVAYOCO iyo Samatalis waxay beenintoodu ka dambaysay war doraad ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya oo cinwaankiisu ahaa, “dareenka shirka NOVIB ee ka socda Hotel Maansoor iyo talaabada xukuumadda”, iyada oo uu nuxurka warkaasi ahaa in shirka hay’adda NOVIB lagu midaynayo ururada rayidka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo inay xukuumadda Somaliland amartay in shirkaa la joojiyo. Laakiin warsaxaafadeed ay shalay soo saareen afarta urur ee Candle Light, NEGAAD, HAVOYOCO iyo Samatalis waxay warkaa ku tilmaameen war xaqiiqda ka fog, islamarkaana uu shirkaasi ku saabsan yahay wax ka duwan waxa wargeysku qoray.

Qoraalkan oo ay ku saxeexan yihiin xubnaha kala ah Axmed Ibraahim Cawaale (Candle Light), Saado Xaashi Cawed (NAGAAD), Axmed Maxamed C/Raxmaan (HAVOYOCO) iyo Maxamed Baaruud Cali (Samatalis) waxa uu u qornaa sidan: “Haddii aanu nahay ururada bulsho ee hoos ku saxeexan waxaanu beeninaynaa warkii ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya, cadadkiisii 2079 ee ku taariikhaysnaa 7/08/2003, ee cinwaankiisu ahaa “Dareenka shirka NOVIB ee ka socda Hotel Maansoor”.

Warkaas oo nuxurkiisu ahaa in hay’adda NOVIB ay shir lagu midaynayo ururada bulsho ee Soomaaliyeed ay ka wado goobtaas, ayaa waxaanu cadaynaynaa in warkaasi xaqiiqda ka fog yahay, isla markaana ay ujeedadiisu tahay jaha-wareerin, halkii ay saxaafaddu bulshada ku hagi lahayd xaqiiqda. Laakiin ugu horeyn waxa haboonayd in wargeysku xogta raadiyo, iyada oo ay xaqiiqdu tahay inaanay cid kulankaa ka tirsan la kulmin iyo inaanay wareysan, hase yeeshee, warka ay baahiyeen ku salaysan yahay ku tidhi-ku-teen iyo mala-awaal, loona baahan yahay inay saxaan khaladkaasi.

Kulankaasi wuxuu ku saabsan yahay wada tashi la xidhiidha ururo ay maal-geliso hay’adda NOVIB oo ka hawlgala dhinaca tacliinta ee meelo ka mid ah Somaliland iyo Soomaaliya si ay isu dhaafsadaan khibradahooda iyo tababar ku saabsan kormeerka iyo qiimeynta mashaariicda.

Waxa mudan in la xuso in dhacdadani ay gef ku tahay dhaqanka suuban ee warbaahinta, iyada oo abuuri karta khalkhal, is-afgarasho la’aan iyo in dad xuquuqdooda meel lagaga dhaco.

Waxa jirta in xaaladda nabadgelyo ee dalka ka jirtaa ay dhiiri-gelisay in ay hay’addo badani dalka yimaadaan, shirar caalami ahna lagu qaban karo, iyada oo dawladdu hore ugu dhawaaqday inay dhiiri-gelinayso cid kasta oo jecel inay dalka wax u qabato, taasina ay dhiiri-gelin karto dakhli u soo hoyda dalka, markaa waxa haboon inay qorayaasha wararku masuuliyad iyo amaano muujiyaan, balse aanay odhan “maxaan ku buuxiyaa boggaga ee xiiso gelin kara dadka”, arrimaha noocan oo kale ahina ay sawir khaldan ka bixin karaan dimuqraadiyaddii aynu ku dhawaaqnay, waxayna dhalin karaan sumcad xumo”.

Top


Faysal Cali Waraabe Oo Dhalliilo Kul-Kulul Ku Cashariyay Madaxweyne Rayaale Iyo Xukuumadiisa.

Faysal Cali Waraabe Oo Dhalliilo Kul-Kulul Ku Cashariyay Madaxweyne Rayaale Iyo Xukuumadiisa “Somaliland Way Burburaysaa Haddii..., Qaybe Iyo Rayaale iyagaa ka Masuul noqon doonna...Waa In La Abaabulo Ciidamadii SNM iyo Ciidanka Qaranka, Rasaasna la doono, Tiknikadana...”

Hargeysa (Haatuf) – Gudoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa shalay si kulul u dhaliilay siyaasadaha maamul iyo hogaamineed ee Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa, isaga oo xaaladda Somaliland ee wakhtigan xaadirka ah ku tilmaamay mid halis ah, isla markaana ku baaqay in la isu taago sidii wax looga qaban lahaa arrimahaa.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidaa ka sheegay kulan uu hogaanka ururkiisu ku yeeshay Hoolka shirarka ee Hotelka Hargeysa Club, kulankaas oo lagaga hadlay dib-u-habaynta arrimaha xisbiga iyo wacyiga siyaasadeed ee wadanka., iyadoo ay halkaa ka hadleen xubno dhawr ah oo ka mid ah madaxda xisbiga, laakiin Faysal oo ugu dambayntii halkaa ka jeediyay hadal uu dhinacyo badan ku taabtay siyaasadaha Maamul iyo Hogaamineed ee dawladda Somaliland, ahaana hadal ay dhimbiilo dab ahi ka duulayaan, wuxuu ku bilaabay; “Halgankii la soo galay iyo himiladii dadkeena, iyo halka 12-sannadood kadib la marayo, ma aha wax is qaban kara, waxaanad arkaysaa dhul aanay 12-kaa sannadood dawladdi arag oo aanu Maamul iyo calaamad Somaliland ahi toona tegin oo ay dawladnimo faqashtii ugu dambeysay, balse magaca Somaliland iska dugsanaya.”

Faysal waxa uu ka sheekeeyay marxaladihii doorashooyinka ee la soo maray oo uu ku tilmaamay in ay soo jiidatay indhaha caalamka, laakiin waxa uu ka dayriyay xaaladda wadanka intii ka dambeysay doorashooyinkii Madaxtooyada, iyo inuu jiro jaanis uu adduunku inoo hanweyn yahay oo ay tahay in laga faa’iidaysto, iyadoo buu yidhi ay dadkuna doorashadii si wanaagsan u galeen, inkasta oo ay yara wasakhaysay murankii UDUB iyo KULMIYE.

Faysal Cali Waraabe, isagoo tilmaamaya dhalliilaha kulkulul ee uu ku dhidhiibiyay Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadiisa, wuxuu yidhi:

“Madaxweyne Rayaale markii la doortay waxa uu ku ballan qaaday inuu soo dhisi doono dawlad tayo leh oo tiro yar, laakiin waxaanu dareenay in kala dambayntii, nabadgelyadii iyo sharcigii ay sii furfurmayaan. Waxa kale oo doorashadii aynu ku jeesanay ka faa’iidaystay Maamulka Majeerteeniya, iyadoo weerarkii Madaxweynaha lagu soo qaaday markuu Laas-caanood tegay, laga bixin jawaab rogaal-celis ah, adduunkana lama arag meel xukun degdegga lagu soo rogay oo haddana laga soo raray ciidamadii iyo masuuliyiintii, taasina waxay keentay in C/laahi Yuusuf uu helo jaanis uu ku soo durki karo oo ay ciidamadiisu hadda fadhiyaan meesha Guumeys la yidhaahdo.”

Faysal Cali Waraabe, waxa uu ka deyriyay dhaqaalaha dalka, wuxuuna yidhi: “Boqolkiiba lixda (60%) miisaaniyadda dalka, waxa lagu qaataa ciidamada, laakiin mushahar fiicanna kama qaataan, daryeel fiicana kuma qabaan, iyadoo lacagtii dawladda oo dhan lagu kharash-gareeyay doorashadii la galay oo khasnadii la madhiyay, balse anigu taas maan ogeyn in lacagta intaa le’eg laga saaray khasnadda, waayo anigu waxaan wareegayay Gobollada, haddiise aan ogaan lahaa in lacagta intaa le’eg wadanka laga saaray oo qofwalba lacag loo xambaariyay, doorasho maan galeen oo doorashada waan qaadici lahaa, iyadoo dhaqaalaha intaa le’eg la bixinayay ayaa waxa ka mushahar beelay ciidamadii nabadgelyada ilaalinayay, taasina waxay keentay in ciidamadii Ceel-Afweyn joogay soo yaacaan markii ay saddex bilood mushaharo waayeen. Ta kale ciidamada inoo qoran waa been, masallan Ceerigaabo lix boqol oo ciidan ah ayaa ku qoran, labaatanna kama jiraan, sidoo kale 950 ayaa Laas-caanood ku qoran, 150-na run kama aha. Masallan haddii Madaxda Ciidanka lagu yidhaahdo, ciidamada aad mushaharka siisaan halkaa soo tuba, way wada gariirayaan, kuwa ciidamada haystaana haddii aad aragtaan Gafanayaal bay u eg yihiin. Lacagtaa intaa le’eg ee ciidamada lagu tilmaamana iyagaa wada qaata."

Faysal, waxa kale oo uu ka hadlay dhinaca nabadgelyada oo uu iyadana ka dayriyey, wuxuuna yidhi: “Bilayskeenu ma leh Isgaadhsiin iyo baabuur, marka la eego sida ay nabadgelyadeenu u xumaatay waxa ka markhaatiya caasimadda oo qudha wixii ka dhacay, waxaana ka mid ah waxyaabihii dhacay Baabuurkii WFP-da ee la afduubay, ninkii wadayna waa la dhaawacay, Baabuurkii waa la helay, balse cidii wax dishay lama qaban. Sidoo kale, waxa la dilay ninkii u horeeyay ee dalka wax gashaday oo reer Holland ah, ilaa haddana lama hayo cidii dishay. Waxa kale oo la isku dilay dhul Madaarka u dhow, ilaa haddana wax lagama qaban cidii wax dishay. Waxa kale oo dhacday tii Madaarka markii uu Jaamac Yare yimid oo aynu mar kale isku qarxi gaadhnay, laakiin waxa wixiiba isku fuuqsaday tii dorraato dhacday ee maalin cad meeshii dawladdu u badnayd dadka lagu dilay, sidaa darteed markaad waxaas oo dhan eegto waxa muuqata in ay nabadgelyadeenii hoos u sii socoto oo aynu gebigeenuba ku fadhino dooni degaysa oo ay biyihii ku furmeen oo weliba been la inoo sheegayo. Aniga nin Somaliland iga jeclaa ma jiro, balse maanta dalkeenii khatar buu ku jiraa, waxba tari maayo guri aad meel cidlo ah ka taagtay oo aan biyo lahayn oo aan wado lahayn, oo nal lahayn, oo aan nabadgelyo lahayn, markaa Somaliland khatarta ay maanta ku jirtaa weligeed may soo gaadhin.”

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu aad u dhalliilay dawladda uu soo dhisay Madaxweyne Rayaale, wuxuuna yidhi: “Dawladdii tayada lahayd ee Madaxweyne Rayaale, waxay noqotay 50 wasiir iyo 12 Taliye, markaa Illaahay baan idinku dhaarshee Islaanta Milixda iibinaysa ee cashuurta yar laga qaado ee aan biyo iyo cusbitaal haysan, ma suura-galbaa in ay 50 Wasiir masruufto, taasi waa guuldarro, haddii aynu ogolaanana waa inoo nacasnimo, Wasaarad kastaana badhjatka la siiyo waxa uu noqdaa baasiinka iyo jaadka masuuliyiinta, inta ka soo hadhana dumarkooda ayaa Abu-Dabay la tagga oo ku soo arad-baxa. Waxaad arkaysaa Baabuur dawladdi leedahay oo marka uu Wasiirku iska dhigo ay Sodohdii fuulayso, marka ay sodohdu ka soo daashana ay xaaskiisu fuulayso, marka xaaskiisu ka soo daallana uu kiisa yari fuulayo oo weligiiba wiri-rigtaa hayo, taasina waa guuldarrada ina haysata, sharciguna wuxuu qabtaa dadka masaakiinta ah, maantana nabadgelyadeenii khatar bay ku jirtaa, adduunkana waxa lagu kala baxaa sharciga dawliga ah iyo sharciga dhaqanka ah, laakiin inaga kii dhaqanka ahaana wuu inaga burburay, kii dawliga ahaana ma jiro. Bilayskii waad aragtaayo, maanta ma jiro wax Bilays la yidhaahdo oo aynu ku faani karnaa, waayo, tababar ma leh, gaadiid ma leh, isgaadhsiin ma leh, direys ma leh, mushahar ma qaataan. Sidaa darteed halka aynu maraynaa ma aha wax aynu dawladnimo ku sheegan karno, Madaxweyne Rayaale-na taladii la siiyay iyo dadkii u footay, intaba waa tuuray, dawladii tayada lahaydna wuxuu ku bedelay oo uu sameeyay dawlad saaxiibayaal ah oo uu leeyahay kani waa saaxiibkay oo toban sannadood ninkii joogay ma eryi karo, markaa dawladdani waa dawlad saaxiibayaal ah (Friends Cabinet) ee maaha dawlad Qaran, taana ma ogolaanayno, haddii ay xaaladda dalku sidaa ku sii jirtana oo aan arko in aan waxba laga qabanayn, anigu waan ka baxayaa siyaasadda, waayo ma doonayo in ay Somaliland agtayda ku burburto, wayna burburaysaa haddii aan sidaa ay ku socota wax laga bedelin ee been yaan waxba laysku sheegin. Daahir Rayaale haddii aanu dalka sidan ka bedelin, wuu deggayaa dalkani, maanta haddii aynu dhiig leenahay Madaxweynaba ma ahaadeen, waayo dalkii loo dhiibay saddex meelood oo laba meelood baa maqan, maantana waxa la isla marayaa Togdheer oo la qabsaday, laakiin dalkan waa loo soo dhintay, waxa dhacayana maaha wax aanu daawan karno. Masallan haddaad eegto Taliyayaasha ciidanka Bilayska waxay fadhiyaan Xafiiska Wasiirka oo fadhiyaan xafiisyadoodaba, ciidankana inta iyaga ilaalinaysa iyo inta degmooyinka ku maqan inta iyaga ilaalinaysaa badan.”

Gudoomiyaha UCID, waxa kale oo uu sheegay inuu Madaxweyne Rayaal Golihiisa Wasiirada ku doortay rabitaankiisa oo qudha, balse aanu ku dooran rabitaanka dadka, wuxuuna yidhi: “Waxaan ogahay ilaa shan wasiir oo aan shacbigana kalsooni ka haysan, beelihii ay ka soo jeedeena yidhaahdeen naga bedel haddana uu shantiiba ku celiyay.”

Gudoomiyaha UCID, waxa kale oo uu ka hadlay Doorashada Baarlamaanka, wuxuuna yidhi: “Inaga oo doonayna in ay shir-beeleedka ka tagno oo doorasho u socona ayaa laba sannadood iyo saddex sannadood Baarlamaanka loo kordhiyay, waxase layaab leh Qaybe oo Somalilandnimadiisa qiiq ku jiro inuu maanta yahay nin aad u firfircoon, waayo maxaa taa keenay ee uu Qaybe miciyo libaax u yeeshay. Rayaale iyo Qaybe, maxay labaduba u taageerayaan in aan Baarlamaanka la soo dooranin oo ay u leeyihiin lama bedeli karo, laakiin waxaan leeyahay waa la bedelayaa oo haddii ay bisha Juun dhici waydo doorashada Baarlamaanku, annagaa og waxaanu yeelayno, Baarlamaankanina beelihii soo doortayna siyaasadooda kuma socdaan, xisbiyo hagayaana ma jiraan. Madaxtooyadeena haddaad aragto, waxaad moodaa in siyaaro lagu hayo, mana jiro wax nidaam iyo kala-dambayn ah oo yaallaa.”

Faysal Cali Waraabe, waxa uu ugu dambeyn hadalkiisa ku soo geba-gebeeyay talooyin uu ku nuuxnuuxsanayo, isaga oo leh haddii aan talooyinkaa la fullin Somaliland xaaladeedu waa xumaanaysaa, wuxuuna yidhi: “Dadka yaan been loo sheegin, Somaliland sidan kuma soconayso, oo xataa Caasimaddii ayaa maanta biyo la’aan ah oo aad moodaa sidii Dulcad iyo Xarshin oo ay dadku Jirikaamo iyo Caagado la wareegayaan, markaa ama Melles la soo casheeya ama meel kale aadda, ee Somaliland burburkeedu qarka ayuu saaran yahay, haddii aan sidan wax laga bedelin. Waa in dawladdan la baabi’iyo oo dawlad tayo leh la sameeyo; Waa inaanay doorashada Baarlamaanku ka dambayn bisha Juun; Qaybe iyo Rayaale-na waxaanu leenahay, taageerada aad taageeraysaan inuu Baarlamaanku sii joogo dimuqraadiyadda oo qudha wax ma yeellayso, ee waxa ay waxyeelaysaa Jiritaanka iyo Qarannimada Somaliland, idinka ayaana ka masuul noqon doona wixii ka yimaadda; Waa in dagaalyahankii SNM iyo ciidamadeena la abaabullaa, waa in Tiknikada la kiciyaa, rasaasna la doonnaa, waa in la jaro xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Majeerteeniya oo lala wareego baabuurka Boosaaso ka yimaadda iyo waxa uu siddaba; Waa in la hubeeyo dadkeena shicibka ah ee dhulkaa deggen, maadaama aanay jirin dawlad wax iska celisaa, waayo dawladda Somaliland, waata Mafrashyada samaysatay ee iska qayilaysa, dadkana beenta u sheegaysa. Maanta tacabkeenii khatar buu ku jiraa haddii aynaan wax qaban. Shirka Imbagati, inaga (Somaliland) iyo beelaha USC ayaa loola jeedaa, balse beelaha USC waxbay iska celin doonaan, laakiin inagu haddii aynaan dawlad tayo leh helin, inaga oo yuururna ayaa la ina qabsanayaa, markaa waa in aynu dhulkeena dib u soo ceshenaa, marka dambe ee Somaliland dagaallantana waxay ku dagaalamaysaa Gaalkacyo iyo Boosaaso.”

Top


IFTIINKA ISLAAMKA: Xal U Helida Mashaakilka Dhalinyarada

Siciid I. Guraase

Ilaahay baanu ku mahadaynaa nimcooyinka uu ina siiyay, isagaanu gargaarka dalbaynaa danbi dhaafana weydiisanaynaa, sharka nafahayaga iyo camaladayada kuwooda xun illaahaybaanu ka magan gelaynaa, qofka alle hadeeyo cidna ma halayn karto. ka illaahay halleeyana cidina ma hanuunin karto.

Waxaan qirayaa in aan alle mooyee ilalah kale aanu jirin muxamedna uu yahay adoonkii iyo rasuulkii alle.intaa ka dib.

Waxaynu ognahay in ay dhalinyaradu tahay udub dhaxaadka umada, umadkastaaba waxa ay ku taagantahay mustaqbalkeeduna ku xidhan yahay kolba dhalinyarada usoo kacaysa , hadaba marka laga hadlayo arimaha dhalinyaradeena dhaqan kooda iyo fikirkooda looma baahanayo wax daliil ah , arintani xal u raadinteeda la iskuma khilaafsana laakiin waxa la isku khilaafsan yahay sidii loo xalin lahaa, khilaafkuna waa sida loo xalinayo waxa la iswaydiinayaa dhalinyaradan sidee ayeynu ugu jahaynaa arintuna waxay u baahantahay fakir iyo dadaal badan oo kala duwan waa qadiyada ugu mihiimsan qadiyadaha bulshadeena.

Marka la falanqeeyo arintan waxa la soo bandhigayaa fikrado kala duwan fikradahaa mid ka mid ahi waxa ay ka hadhaysay murugo ku saabsan mashaqada laga xanuusado ee murugada leh, wuxuu ku dareensiinayaa fasahaadku iyo leexsanaanta soo noq noqonaysaa, wuxuu ku tusayaa midabo iyo muuqaalo qeexaya xumaanta iyo leexsanaanta, laakiin isaga awoodiisu waaba intaa,wax intaa dhaafsiisan oo xal ah mahayo, waxa sidaa la wadaaga in badan oo dadka ah,mana aha in aynu ka quusano fasaadka ay ku jiraan darteed, waa inaynu kasoo gudubnay marxaladii aynu dadka kaga quusan lahayn, marka laga hadlayo arintaan waa in la gaadhsiiya cid kasta oo jecel isbadal la sameeyo iyo xal loo helo mushkilada, waxa jira in faro badan oo u ehel ah wanaaga khayrka iyo toosnaanta, waa in gacan lagu siiyo taas, hadii aad u hogaansanaato mushkiladaa taagan, wuxuu ku dhaxalsiinayaa murugo iyo hadal nincaajisay oo waxba qabanayn una gargaareen diinta.

Dadku markuu gaadho xaalad liidata ee uu qaato ceebo iyo daymo uu u maray boqol masiibo isagoo baadhaya boqol asluubood oo uu ku qaado mushkiladaha kagana baxo dhibaatada, waxaad arkaysaa qof hiigsanaya bartilmameed nolosha aduunyada ah waxa hortiisa yaala caqabado iyo mushkulada badan wuxuuna ku dhaqaaqayaa sidii uu uga bixi lahaa.
kun dariiq ayaa markaa u banaanaya si uu uga gudbo caqabada, qofku arin meel ay ka gasho in ay arintaa dib looga dhigaan mushkulada ay ku noqoto, muxuu samaynaa qofkuna? Wuxuu la xidhiidhayaa ehelkiisa oo kale ama asxaabtiisa si cida ay wax ka galeen looga soo dhameeyo, matalan markuu nin dhalinyara ihi uu doono in uu guursado waxa laga yaabaa in ay gabadhu waydiiso xaaladiisa nololeed iyo shakhsiyadiisa si xeeldheer.si ay u ogaato tayadiisa shakhsiyadeed. hadaba qofku marka ay la soo gudboonato wuxuu heli karaa boqolaal dariiqo oo uu ku xaliyo hadii si toos ah u fikiro.

 Qolo kalana arintaa waxay dhex maquurinaysaa mushkiladii, dadka ku dhacay waxay ku xusayaan muuqaalkiisa iyo noocyadiisa. waxay gaadheen heer quus iyo rajo beel ah, hadaba hadii aad tusto rajo kuma dhagaysanayaan waxayna la soo boodayaan muuqaalkii ay aaminsanayeen si ay wixii rajo ah ee aad aaminsantahay ay u baabiyaan, kuwani kama duwana kuwii hore laakiin way ka damqasho badan yihiin kuwii hore. qoladani aad ayay u damqanayaan waxay ka hadlaan mimbarka qolooca iyo fasahaadka, khaladka iyo halowga iyo jahwareerka dhalinyarada ayay ka hadlaan.

Laakiin intaa wax ka badan ma hayaan., mushkiladan in dadka loo soo bandhigo waa mid loo baahan yahay in si cad loo tuso cidii aan ogayn, taa macnaheedu maaha in la helay mushkilada xalkeedii laakiin waa wadada loo marayo ujeedada aynu leenahay oo ah xal u helid, inagu imika kuma hadlayno dheel dheel iyo wax u dhawtoona waxaynu ka hadlaynaa xaalada dhabta ah ee ayku sugan yihiin dhalinyaradu waa mid aanay ilaahay iyo rasuulkiisuna anay raali ka ahayn, waxa nagu waajib ah inaynu ka gudubno hadal haynta mushkilada aynu u dhaqaaqno sida aynu u xalin lahayn.

Halkaa waxa ka soo baxaysa qolo sadexaad oo iyagu u dhaqaaqaya xalintaa, kuwani waxay u marayaan xalintooda dariiqooyin kala duwan, waxa ka mid ah in la dareensiiyo sida illaahay uga aargoosto cida aan isaga u hogaansamin, cabsi galin lagu cabsi gelinayo ciqaabta ilaahay mid ayaa ka dhex dhawaaqaya oo odhanaya waxaad ku dhawaateen halaag mid kale wuxuu raacayaa hadal caadifi ah mid kale wuxuu raacaya in uu caqli ku qanciyo mid kalena wuxuu raacaya dariiqo ka duwan kuwaa aynu sheegnay, hadal iyo dhamaan dariiqa kasta oo la maraa mar hadii ay ina gaadhsinayso hadafkeena, hebel sidaa ayuu wax u wanaajiyay laakiinsidii habel waxba ma wanaajin karo, laba shakhsi ayaadba kala tihiin daruurina maaha in mid uun la wada maro. laakiin muhiimadu waxay tahay in shareecada la raaco dabadeetana la xaqiijiyo.

Markaynu quraanka akhrisano waxaynu helaynaa dhariiqooyin badan oo loo daweeyo qalbiga waxana ka mid ah in la wacdiyo kuwa dhago xidhan waxa ka mid ah qisas looga waramo waxa ka mid ah aakhira oo laga waramo iyo xaaladaheeda cadaabta iyo waxa dhex yaala, loogana waramo janada iyo waxa nimco taala ka dibna caqli lagu qanciyo, hadaba naftu waxay u baahan tahay in sidan wax loogu sheego, cida daaciyiinta ah markay ku hadlayaan caqli ahaan ee arinta la baadh baadho ama looga waramo qalbi engagan iyo sida loo xaliyo mushkiladihiisa qofka in lagu kalifo wax aanu garanayn, dariiqooyinka kala duwan inama anfacayaan hadii aynu ku murano. laakiin waxa haboon in aynu ka faa’iidaysano wakhtiga oo aynu wax qabano inagoon ku dheeraanayn muranka iyo is khilaafida.

Halkan waxa yaala dariiqooyin isku mid ah, waxaana aan rajaynaynaa in aan ka gudubno xuduudaha hamiga iyo warwarka aynu umalaynayno in ay caqabad ku yihiin wax qabadkeena markaan wax aynu ka eegno dhinaca kale aniga waxa ii muuqata in ay caqabadi ay inoo dhexayso dhalinayarada, waxaynu u baahanahay in aynu ka gudubno oo aynu galno caalamkii aynu kaga hadalnay muxadaradii hore waa caalam kale oo lagu nool yahay fakir iyo hami ka hadalkiisuna waa asluub kale.

IMIKA WAXA AAN LA HADLAYAA DHALINYARADA

Waxa si dhab ah ula hadlayaa dhalinyarada waxa leeyahay laba uun kala doorta, mida hore waa in aad doorataan dhariiqa toosan oo laasintaan waana ka waajibka ah ama in aad raacdaan,hadii aad diidaan anaguna idinma doonayno markaa dana idinkama lihin waxaa arkaysaa inbadan oo ka mid ah kuwa dhalinyarada ee dhegaxidhan ee ka jeeda khayrka iyo wanaaga in ay u baahan yihiin in laga midho dhaliyo wado kale oo sadexaadna ma jirto.

Dhalinyarada waxaanu leenahay ka taga xumaanta oo mara dariiqa xaqa ah, waxaan idiin hayaa daliilo caqli gal ah iyo kuwa kaleba waxa idiin hayaa daliil ku sugan kitaabka ilaahay iyo sunaha rasuulka markaa leenahay wax aynu ku hadlaynaa luqad kale taa macnaheedu maaha in aynu isdaawadsiinayno tii hore aynu doonaynay waxaanu idin leenahay anagoo oo kor u dhawaaqayna waxaan idinka doonaynaa dhamaan dhalinyarada in ay u soo noqdaan dariiqa toosan iyo wanaaga, waxaan leeyahay in ay soo noqdaan. ma lihi ha sii socdaan taasina waa sida ilaahay ugu tala galay. mar hadaan idinla hadalnay waa inaad toobadkeentaan waxa idin dareen siinaynaa kalgacalka aan idin qabno iyo xaqa aad nagu leedihiin in aan wax idin sheegno, waxa aad arkaysa nin dayn ama xaq uu qof ku leeyahay qof ka doonayay, waxaad arkaysaa isagoo wixii ergo u diranaya oo kolba farsamo ku dayaya si uu u helo xaqiisi, hadaba adiguna waxaad aragtaa qof kaa doonaya xaqii ilaahay kugu waajibiyay waxa imika ii muuqata wax aynu xaq idinku leenahay in uu ka faro badan yahay xaqa kaas deyn kiisi doonaya isagu wuxuu doonaya xaq shaqsi anaguna waxanu kaa doonaynaa waxaad ku liibanaysay waxaan kaa doonaynaa dariiq hadii aad raacdo dariiq aad kaligaa aad ku faa’iidayso, hadii aad diidana aad kaligaa aad ku khasaarayso.

KA MAAN TAGIN MUSLINIMADA

Dhalinyaro waxaa ina hor yaala laba wado ta hore in qofku toobad keeno kuna toosnaado dariiqa saxan taas macnaheedu waa in noloshiisa oo dhan isbadal ku sameeyo kana bilaabo ilaalinta amarada illaahay faray sida salaada faralka ah oo uu ku xigsiiyo sunayaasha kuna dedaalo kana dheeraado macsiyada iyo xaaraanta taasi waxay keenaysaa in uu is badalo fakir ahaan iyo minhaajka noloshiisa waxaa ku dhacaya isbadal nololeed oo dhamays tiran.

Wadada labaad markuu ku fashilmo xaqiijinta dariiqa hore isagoo ku xisaab tamay in uu malin maalmaha kamid ah sidaa yeeli doono, laakiin fashilaadaa waxa keenay daciifnimada shaqsiyadiisa liidata wuxuu laasimayaa in uu dayaco waqtigiisa muxuu salaad tukan waa nin meel kale la hayste sune uu tukado iyo quraan uu akhriyo iyaga hadalkooda daa hadaba markuu qofku ku talax tago inuu ku loofaro waqtigiisa soo dabaalidiisu, muday ayay qaadanaysaa.

Waxaa laga doonayaa dhalainyarada inay ka dheeraadaan dhagaysiga heesaha, daawashada filimada foolxumada leh waxaa laga doonayaa ilaalinta salaada subax.sune iyo faralba in ay quraanka ay akhristaan.

Ninkaad ku aragto intaa wax kaduwan hadalkuu ku yidhaa maaha wax uu iska yidhi laakiin waa xaaladiisa dhabta ah,Haduu daydayo dariiq sadexaad waxaanu leenahay maxaa kaa hor taagan in aad dariiqa toosan raacdo uma baahna meel kale oo loo maro laakiin is weydii maxaa kaa hortaagan in aad illaahay utoosnaato maxaa kaa hor taagan in aan salaada tukado oon quraan ka akhriyo oon dadka ehlu khayr ka ah dhinac ka raaco.

AHOOW DADKA DHOWRSOON:

Inta badan dhalinyaradu markay ku kulamaan meelaha ay isugu yimaadaan waxay ku sheekaystaan anigu xalay waxaasaan sameeyey iyo ana waxaasaan sameeyay anba filim kaasaan daawaday siday udhagaysanayaan waxaad moodaa in ay aad ula dhacsanyihiin.

Nabi maxamed wuxuu yidhi (CSW)(umadayda oo dhan waa la cafiyaa kuwa cadaysta xumaanta mooyaane waa ninka habeenkii xumaan sameeyay ee waabariistay illahayna asturay ee yidhi anigu xalay waxasaan sameeyay isagoo kashifaaya fool xumadiisii ilaahay asturay”,xumaan markaad gasho waa danbi.haba yaraato ama ha weynaato hadaad ka sheekaysona waa danbi labaad qofka la ban baxay xumaantii waa qof dhayalsaday xumaantii oon u aabo yeelayn xumaanta oo gaadhay heer uu dadka ugu faano xumaanta.

Halkaan waxa ah sadex masalo.

1. Toobadu waa in qofku ka dhex baxo xumaanta iyo dunuubta waana talada la doonayo in la raaco.

2. Caadaysiga xumaanta iyo ku faanisteeda waxay yimaadaan marka lagu fashilmo toobada, hadaba maxaynu ka eeganaynaa mashaqadan toobad la,aanta.

3. waa xal u dhaxeeya labada in aad asturto xumaanta aad samaynayso oo nad dadka hortooda la iman wax xumaan ah markaa sidaa ku leenahay ha moodin in aan kuleenahay waa sharci in aad xumaan samayso laakiin waxa aan ku leenahay labada shar ayaa kala fudud, hadii aad leedahay waa wax illaahay igu ibtileeyay waxaan rajaynayaa in aan ka toobadkeeno awoodna waan u wayay.

Taasi waa talaabadii ugu horeysay ee aad u qaaday xaga illaahay talaabada xigtaana waxay noqonaysaa alleh u dhowaansho, mar hadii doonistaada iyo go’aankaagu dhab yihiin cidna ma oga taariikhdaada hore ee xun, taariikhda xuni waxay kala dhex gashaa qofka iyo mustaqbalkiisa Nabigu wuxuu Yidhi (CSW) (Adoonka muuminka ah illaahay ayaa soo dhoweeya wuxaana uu dhigaa kafkiisa”laabtiisa”adoonku wuxuu qirtaa danbiyadiisa illaahayna wuxuu ku yidhaada ma xasuusantahay danbiga caynkaa iyo ceenkaas ah mana xasuusantahay danbiga sidaas iyo sidaas ah ilaa uu adoonku umaleeyo in uu halaagsamayba eebena wuxuu ku yidhaa anaa aduunyada kugu asturay maantana anaa kaa dhaafay) is asturidaadii ayuu illaahayna kugu asturay.

XUMAANTU YAANAY KULA FUDUDAAN

Marka xumaan lagugu ibtileeyo ha dhayalsanin xumaanta markaa dadka uga sheegaynayso waxay u arkayaan arin sahlan waxa jira mid khilaafaya sidaa, waxa jira mid wixii laga sheegaynayay ku dhaqaaqaya, taasi waa natiijada xumaanta iyo raadkeeda ee markaad xumaan samayso waxa kugu waajib ah in aanay dareenkaaga ka maqnaanin in aad dambi gashay, caasiyida illaahay waa gafwayn, waxay yidhaadeen kuwa ka mid ah dadkii hore ee wanaagsanaa (Ha eegin danbigaad gashay yaraantiisa laakiin eeg illaahaad caasiday waynidiisa) Nabigu wuxuu yidhi (CSW) (muuminku markuu eego danbiyadiisa wax ay ula muuqataa sidii buur dusha kaga soo dhacaysa faajirku markuu eego dunuubtiisa waxay la tahay duqsi ka duulay sankiisa oo kale) hadaba sidee ayaad adigu u aragtaa xaaladaada waxa kugu lamaan dabiyadaadii iyo xumaantaadii, hadaba waxaad dareensanaata mid illaahay caasiyay in aad tahay xitaa hadii aad dambi ka sii wayn aad gashay adigu midna ha yaraysan waxa aad ku socotaa talaabadii toobada waxa laga yaabaa dabi aad yaraysatay in uu noqdo mid aad ku halaagsanto.

La soco.

Turjumayaasha iyo Qorayaasha
C/fataax Xasan
Axmed Ismaaciil (Bucul)
Siciid Cumar Yusuf

Top


“Hooyo Nolosha Caydiga Naasahaga Weeyaan”, Waxa Curiyaay Heestan Rooble M. Issa (Quruurux)

Dhakhaatiirtu markasta waxa ay hooyooyinka ku dhiiri galiyaan in ay carruurta naasaha nuujiyaan.

Diinteena Islaamkuna sidaas ayay ina faraysaa. Faa’iidooyin aad u fara badan ayaa carruurtu ka helaan caanaha hooyada. Haddii aan la nuujinna waxa ay halis u yihiin in cudurro badani ku dhacaan. Haddaba heestan oo aan ugu magac daray. “hooyo nolosha caydigu naasahagga weeyaan” waxaan uga dan leeyahay ku baraarujinta hooyooyinka muhiimadda ay naas nuujintu u leedahay ubadka. Aniga oo ka mid oo ka mid ahaa howlwadeenada caafimaadka ee shirkadda Qatar Petrolium ah na muwaadin u dhashay Qaranka Somaliland waxaan heestan u hibaynayaa saaxiibkayga qaaliga ah dhawaana loo magacaabay wasiirka ku xigeenka oo isna mudda dheer ku hawlaanaa caawinta dadka bukaanka ah, waxaan heestan u Hibeeyay Dr Ahmed Jama Samater (Dr WHO) oo ah wasiirku xigeenka wasaaradda caafimaadka waxaa shucuurtiisa dadnimo iyo rixinnimo ugu gudbinayaa hooyooyinka dunida gaar ahaan kuwa ku hadla Afka Soomaaliga heestan oo ku fadhida xigmadda facweyn oo murti aad u culusi ka muuqato waxay si hufan u soo koobaysaa muhiimadda naas nuujintu u leedahay ubadka. Munaasibaddan oo ku beegan todbaadka naas nuujinta waxaan illaahay uga baryay hooyooyinkeena inuu ka abaal mariyo koriimaddeeniini

NAFTA WAXA KA GOOYIYO
CUDURADDA NUGLEEYEE
NAAFEEYA U BADKA
Naaska U Diidoo
Naaxiya Caruurtee

Haddii Aad Naxaysaan
Noloshooda Jeceshiin
Naasaha Ku Duwa Oo
Nuujiya Caruurta.

Naxariisti Eebiyo
Nimcadii Illahiyo
Naruura Ka Dihino
Ma Naashifo Ilmaha Dhama
Nafaqana Ma Waayee

Haddii Aad Naxaysaan
Noloshooda Jeceshiin
Naasaha Ku Duwa Oo
Nuujiya Caruurta.

Niyad Sami Dhalaan Kora
Hooyo Nolosha Caydigu
Nasahaaga Weeyaan
Aynu Noqono Noolaha
Bulsho Nooc Ah Waafiyee.

Haddii Aad Naxaysaan
Noloshooda Jeceshiin
Naasaha Ku Duwa Oo
Nuujiya Caruurta.

Nukliyeerka Danabka
Nudayaal La Xooga
Lagu Nabay Dushadoo
Neecawadda Goshaada
Naaxisa Caruurtee

Haddii Aad Naxaysaan
Noloshooda Jeceshiin
Naasaha Ku Duwa Oo
Nuujiya Caruurta.

Maxamed Cabdi Daauud
Riyaad? Sucuudiga
daudma2@hotmail.com

Top


WERWER ADUUN IYO WACDARO, Sheeko Taxane Ah – Waxa Qoray Cumar Cali Iidle, Q: 9aad.

Goor ay fiid tahay ayuu Bilis xaafad tegey si uu ula soo caweeyo. Markii uu gurigii foodda geliyeyba wuxuu isha ku dhuftay Ilhaan oo fadhiday soo jeedka ku toosan wajahadda. Gabadh ayaa tidhi “ soo fadhiiso Bilis” isaga oo isha la sii raacayey ayuu is yidhi fadhiiso, mise kursigii ayuu la seegay “ aha-aha-haaa-ahaa..” Ilhaan ayaa ku qososhay “maxaa igu yaalla ee aad iga eegeysaa inaabti?” ayey tidhi.

Intuuna ka jawaabin ayey gabadhii tidhi “ raga oo dhami way ku soo wada eegayaane maxay kugu ogyihiin?” Mid kale ayaa ka daba qaadatay oo tidhi “ Bilis ayaa taa inooga faaloon doona, ku soo dhawow Bilis ha xishoonine”. Bilis “ qof waliba dookh ayuu leeyahay, anna markaan arkay ayey I cajabisay oo waabay I deeqday.” Ilhaan oo xanaaqsan ayaa kacday oo tidhi “ faallada intaa ku joojiya, gabdhow idinna waan sii baxayaaye nabdeey”. Bilis inay nabadgelyeyso ayaad sheegtee huruuf baabay kaga bidh-bidhisay. Kadib way iska baxday. Intuu ka daba kacay ayuu yidhi “Ilhaan, walaal ma waxaad ka xanaaqaysaa kaftanka? Haddaan sidaa ku moodayey jawaab baad sheegtee, afkaygaba juuq kamaad maqasheen”. Ilhaan “ Dumarka waan la kaftamaa laakiinse raga kaftanba dhaafoo keerba ma siiyo”. “ oo haddaa maxaad iigu qososhey?” ayuu su’aalay. Ilhaan ayaa ugu jawaabtay “ sida foosha xun ee aad ii soo eegtaan ku qoslay”. Woxoogaa markay wada joogeen ee aanu midna hadal ayuu Bilis Yidhi, “ naxariista igu soo aroortay iyo quruxda aad leedahay ayaa igu kellifay in aan ku soo eego judhii aan guriga soo galayba” Juuqna iyadoon odhan ayey iskaga tagtay.

Ammin gaaban oo ay casar tahay ayuu Bilis oo keligii socdaa la kulmay Ilhaan oo joogta beer ka mid ah beeraha quruxda badan ee loogu talo galay in la isku sawiro, roob ayaa galabtaa da’ay oo saxansaxo udgoon ayaa ka soo burqanaysa ubaxyada kala duwan ee beerta ku yaalay.

Qorraxda oo godka jeex gelisay ayaa iftiin casaan ah ku maanshaysay dhulkii. Iyadoo hadba meel geed ah hoos taagan ayuu Bilis u tegey, markii uu salaamayba waxay kula soo booday hadallo kul kulul waxayna tidhi “ ma wali baad I daba socotaa oo aanad iga hadhin meel kastoon joogaba ma garabkayga ayaad taagantahay…”. Hadalkii intuu ku badh jaray ayuu yidhi “ ruuxii bukaan qaba waa laga bogsiiyaayoo bar bar loogama leexdee, Ilhaaneey waxaad tahay tii aan beegsanayee caashaqan I barriinsaday iyo naftaydani baqooshay bar xun ha kaga dhaqaaqine I bad-baadi inan yahay.”

Ilhaan oo inkiraysa ayaa tidhi “ bah-bahda jacaylkiyo beerraaqani beenta ah ha igula dul baroorane barbar iiga baydh”.

Bilis oo ka faalloonaya dhibta uu caashaqani ku hayo, iyo sida uu iyada daraadeed ugaga go’ay akhyaartii, jidiinkii, iyo sida uu u gabay addinkii iyo afkuba, oo marka uu hadli waayo ay dadku moodeen in uu waashay amma waalli ku dhaw yahay ayaa tixdani dheer halkaa ka tiriyey isagoo yidhi:

Ma ogtahay ugaadhuba
Inay aramidaydiyo
Ka ooyaan inkiridiyo
Eedaadka caashaqa
Amma ay ka ooyaan
Ibtiladan I haysee
Ruuxna ugu garaabayn.

Waa aramidaadii
Waxa aan la dhuubteen
Afka aan u gaaxsheen
Addinkana u gaabshoo
Aadmuhu u qaatay
Afar-qaadka socodkoo
Aqligu ka yaraadayey.

Ma ogtahay akhyaartii
Inan aawadaa uun
Uga go’ay Ilhaaneey
Oo aan ugaadhiyo
Ergintiyo waraabaha
Ka dhigtay ehel-qareen.

Ma ogtahay aboor cuna
Iga celini mayside
Inta adduun la joogaa
Laysku yahay ehele
Oo aqoonta guud iyo
Lagu ilaalaa caashaqa
Argagax la’aane
Kaalay indhahaygiiyeey
Adigaan ku egmadee
Aramida jacaylka
Ha igu inkirine.

Ilhaan iyada oon intaasi oo hadal ah midna dhegta u dhigin ayey tidhi “ walaaloow I maqal, wax adduunyo ah oo aad ka fikiraysaa haba yaraatee ma jirto, waxaanad wax u baranaysaa uun sidii aad shirkadda aabbahaa u maamuli lahayd, taasaana kugu kelliftay in aad hawaawi, haasaawe iyo meel aanad hanan Karin nafta ugu sheekayso, balse anigu waxaan ku fikirayaa sidii aan dhibta dhaqaale la’aanta ah ee haysata qoyskayaga uga saari lahaa”. Bilis, “Dhaqaale oo qudha haddii ay tahay arrintu waa fudayd”.

Ilhaan, “ waad u jeeddaa in aan lug kaga imaad kuna tago dugsiga sidaa daraadeed haddii aan ka fikiri waayo waxa ii dana iyo mustaqbalka labadayda waallid, ma inaan ka fikiraa jacayl iyo khawaad aan loo bogi doonin, walaal ha I carqaladaynin ee ka quuso oo ka qanac naftayda”.
Bilis oo ay talo ku ciirtay ayaa ciilkaambigii iyo ciirsi la’aantii kula dhacay sariirtii oo taallay qolkii uu seexanayey. Isagoon kabihii iska bixin ayuu sariirtiisii nafarka ahayd ku jiifsaday. Xaalladiisii inta ay cakirantay ayuu indhaha kor u taagay si aanay ilmada ka gobo’laynaysaa dhabankiisa u qoynin isaga oo ka cabsi qabay inuu qof ugu soo galo makhsinka arkana oo uu dareemo murugadiisa,isagoo murugo daraadeed ayuu marna dhabarka u jiifsadaa marna indhaha cirka ugu diraa. Gabadhbaa u soo gashay, casho ayey u keentay mase cunin “iga celi waan soo casheeyee” ayuu ugu jawaabay. Gaajo la’aan kamay ahay oo haddii aad boggiisa taabato waxaad dareemaysaa caloosha sii godanaysa ee ceelka la moodo; lama odhan karaynin naftu way u baahnayd hase ahaatee holaca qalbigiisa ka soo burqanaya ayaa wada saaqay dhammaanba habaka dheefshiidin, neefsasho, iyo dhiig wareeg ee jidhkiisa. Lulmo ayaa qabatay, mase gam’ayo oo mar kastuu dhinac isku rogaba wuxuu xasuusanayey hadalladeedii xaadda dhalaalinayey.

Markii waagu dillaacay ayuu dugsigii tegey, mise waaba imtixaan tijaabo ah oo diyaar loo yahay. Qalinka iyo warqaddii ayuu sidii loogu dhiibay u hayey oo aanu waxba ku qorin. Waa yaabe mar kasta oo uu su’aal jawaabteeda raadi yidhaahdaba waxay maskaxdu soo tuuraysay hadaladeedii gubtaanyada ku beeray. Waa ardaygii ugu dambeeyey ee soobaxa, dhamaan arday iyo macallimiiniba way yaaban yihiin, waayo awal wuxuu ahaa ardayga ugu soo hor baxa. Markii la soo saxay imtixaankii ayuu galay kaalmaha ugu hooseeya, ma ahayn arday intaasi u qalma laakiinse waxa maskax guurisay gabadhan uu naftiisii raaciyey.

La soco.

Top


Hidde Samida Dhaqanka

Qiimiga Dumarka: marka laga yimaado wixii ragganimo ah ee haweenayd Ilaahay u abuuray, waxa iyana meesha taal inuu qiimigu yahay wax qofku isku yeeli karo, taas oo ku xidhan sida hadba ay qofka dumar ahi iska dhigto, haddii ay is dulayso iyo haddii ay qof sharaf leh iska dhigto labadaba iyadaa isku haysa, taas oo macnaheedu yahay inuu qofna bulshada dhexdeeda sumcad xumo ka kasban karo, qofna sumcad wanaagsan.
Gabadhu haddii ay karaamadeeda ilaain weydo waxa u yimaada dhaliilo badan, waxayna kasbataa naanayso jareexo reeba, sida suuba, maraado, baali, basari, bagagi, cooraaf, goonbaar, calako iwm. Laakiin gabadha qiimaheeda ilaashata waxa iyana raaci jiray halku dhegyo wanaagsan, sida marwo, gaari, xilo janno iwm.

12-ka barood ee qiimaha dumarka lagu sheego waxay raggii hore odhan jireen, haddii ay naagtu maqal leedahay (dhego-nugushahay) inta kale waa la dabooli karaa, waayo masalan haddii ay baali tahay oo aad tidhaahdo weelka iga maydh, ama dharka maydh, ama guriga xaadh oo ay ku maqasho baalinimadii jiri mayso, laakiin haddii ay ku maqli weydo baalinimadii way jiraysaa. Sidoo kale haddii ay lexejeclo darantahay oo aad ku tidhaahdo xoolaha dayaca ka raw oo ay ku maqasho xoolihii dayacmi maayaan, ilaa xataa haddii ay gogol dhaafka taqaan oo ay ku maqasho wey ka go’I kartaa ama wey iska daynaysaa gogol dha afkii.

Raggii hore wuxuu dumarka ku wadi jiray dul-qaad iyo dhaqan wanaagsan isla markaana wuxuu ka eegi jiray dhinacyo badan oo haddii ay bar lagu wado leedahay wuu dhaqan jiray. Tusale ahaan nin baa lag u yidhi “Gabadhaadu waa cir weyntahay ee iska fur” markaas ayuu yidhi “Naftaydana hilbo uga jari maayo, waxaan u helana ka hagran maayo ee maxaan u furayaa”.

Sidoo kale nin ayaa lagu yidhi “Naagtaadu gogol dhaafka ayey taqaan ee iska fur”, markaas ayuu yidhi “Dhinacaygana loo cadaabi maayo, dhalina igaga baaqsan mayso’e maxaan u furayaa”.

Berri kalena waxa la yidhi hablo soo heermay ayaa reer u yimid, markaas ayaa hilbo kulul lagu sooryeey, dabadeedna mid baa tidhi “Naa kadhan maynee kala goo”, mid kalena waxay tidhi “Ha qaboobee qabo dheer ku rid”, mid kale ayaa iyana tidhi “Naa ha konfafee (qaboobee) korka saar”, dabadeedna saddexdii gabdhood waxa lagala baxay tii tidhi “Ha konfafee korka saar”.

Berri kalena oday baa waxa u yimid dhawr dumar ah, waxayna ku yidhaahdeen “waa nala soo furay”, ka dibna wuxuu ku yidhi “Mid welayba ii sheeg wixii lagugu soo furay”.

Dabadeedna mid waxay tidhi: ”Waxa la igu soo furay cir weynaan” ka dibna wuxuu yidhi “Taa waxaad u guurisaan nin shan tiro oo riyo ah leh”. mid kale ayaa iyana tidhi “Waxa la igu soo furay gogol dhaaf”, ka dibna wuxuu odaygii yidhi “Taana waxaad u guurisaan doob lo’ maal ah”.

Sheekooyinkani waxay muujinayaan in berrigii hore la maarayn jiray arrimaha dumarka ka yimaada oo aan wax walba lagu nici jirin, taas oo dhaliilaha intooda badan ay inan rag dabooli jireen.

La soco.

Top


Casho-Sharaf Lagu Sagootiyay Ciyaaryahanka Weyn ee Reer Somaliland Maxamed Ismaaciil Oo Ka Dhacday Stockholm

Stockholm (W. Wararka) - Waxaa habeenkii Arbacadii lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden casho sharaf lagu sii sagootinayey ciyaaryahankii reer Somaliland oo ahaa xiddigii kubadda cagta ee naadigii Horseed iyo xulkii dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray, Maxamed Ismaaciil Cali (ina Ismaaciil Injineer) oo loo ku caan baxay (Siteey) oo isagu marti-sharaf u ahaa gudiga qabanqaabada ee tartankii kubadda cagta oo bishan August kowdeedi lagu soo gebagabeeyey magaalada Stockholm.

Casho-sharaftan oo uu soo qabanqaabiyey xubin ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee gudiga qabanqaabada waa Abuukar Aadan Deeqoow (Boss-Caato) oo uu weheliyo xidigii hore ee naadigii Badda iyo Qarankii Soomaaliyadii hore Cawad Xasan ayaa waxaa kaloo lagu casuumay Cabdi-Rab Maxamed Saalax iyo Yuusuf Cali (Yo-baby) oo ka socday ururka Somali Sports And Cultural Association ee dalka Canada, Shamsuddiin Xasan (Diinow) oo ah tababaraha kooxdii Jaaliyadda Holland iyo Maxamuud Ismaaciil (Dabayare) oo ah tifaftiraha shabakadda ciyaaraha isla markaana ka mid ahaa ciyaartoydii kubadda cagta ee naadigii Waxool, waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa C/Casiis Daahir (Kenyaati) oo ah xubin firfircoon oo ka tirsan dhalinyarada magaalada Stockholm.

Abuukar Caato oo xafladaas ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray tartankan iyo dhibaatooyinkii lagala kulmay, wuxuuna sidoo kale xusay sida ay diyaarka ugu yihiin in la horumariyo tartamada soo socda, isagoo mahadnaq aan la soo koobi karin u soo jeediyey ciyaaryahanka Maxamed Ismaaciil iyo marti sharaftii kale sida wanaaga leh ee ay u aqbaleen martiqaadkii loo soo diray.

Maxamed Ismaaciil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ka soo qayb galo tartankan isla markaana uga mahadceliyey Abuukar Caato iyo gudiga qabanqaabada intaba martiqaadkoodii, isagoo ku guubaabiyey gudiga in ay ku dedaalaan xalinta khilaafaadka jira si uu tartankani u noqdo mid heerkiisu sareeyo ayna ka soo bixi karaan dhalinyaro yaryar oo mustaqbalka horumarin kara sportiga dalkeena.

Xiddigii weynaa ee Badda ciyaaryahan Cawad, ayaa isna sheegay in ay sharaf u tahay in uu goobjoog ka ahaado tartankan iyo casho sharaftan intaba, isagoo sheegay in tartankani suura geliyey is araga ciyaartoydii hore oo aan muddo is arag iyo waliba is barashada ciyaartoydii hore iyo kuwa mustaqbalka.

Xafladdan ayaa ku soo gabagabowday jawi farxad iyo raynrayn ah iyadoo lagu wada balamayey in la isugu soo laabto sanadka soo socda haddii alla idmo. 

Top