Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 399 August 18, 2003

Come and celebrate Somaliland culture in Los Angeles

Boorama: Koox Dhallinyaro Ah Oo Tababar Loo Xidhay

Wasiirka Caafimaadka Oo Caawimo Cusbitaalka Waalida Ah Ka Gudoomay Ururka HAVOYOCO

Wasiirkii Kalluumaysiga Oo Shaqada Laga Eryey Iyo Dareemada Laga Bixiyay “Eriga Gees Waa Ka horeeyay Sheekada Bayaanka” Iftiiminta Madaxtooyada.

“Arrinta Wargeysku Faafiyay Waa Been-Abuur Aanay Waxba Ka Jirin” Beenin

Abwaan Hadraawi oo Magaalada Burco soo gaadhay

Qaar Ka mid ah Dhuumaha Saliidda Ciraaq Oo La Qarxiyay

Wadahadaladii Waan-Waanta Liberia Oo Istaagay

Muslimiinta Ku Dhaqan Britain Oo Ku Mudaharaaday Booqashada Siyaasi Hinduus Ah

Indonesia: Qaraxii Jakarta oo dad loo Xidhxidhay

Rwanda Oo Isu Diyaarineysa Doorashooyinka Madaxtinimada

Werwer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Sheeko taxane ah ---Q: 12aad -- Waxa qoray: cumar cali iidle

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Talo Qaybsiga Xubnaha Baarlamanka

Dhibaatada Ha Laga Daayo Qoyskii Mujaahid Dhamac

Waxaad Walaftay oon Wad Kaa Helin Ka Waantoobay Waa War Loo Noqon

Waa Maxay Xil-Wareejinta Hagaagsani? Maxamed Muuse Geed – Xoghayaha Guud ee UCID, Q: 2aad.

“Aniga Ayaa Ugu Goolal Dhallin Badnaa Sannadkaa Tartankii Dugsiyada Sare, 13-Gool Ayaanan Dhalliyay,” Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur).


Come and celebrate Somaliland culture in Los Angeles

August 23, 2003
12:00 Noon – 2:00 PM
At Exposition Park
In front of the Los Angeles Sports Arena
Corner of Figueroa Street & King Blvd (Adjacent to I-110 Freeway)
Somali Cultural Dances, Music, fashion show, and more followed by an Ethiopian Festival

The African Market Place Fair begins Saturday, August 16, 2003 through September 1, 2003. Come and experience cultural diversity and celebrate Somaliland community's rich culture. There will be presentations by SOPRI’s International Campaign for Somaliland Recognition. Over 30,000 people are expected to visit during the festival.

Somaliland info. Contact: Hassan Mogeh Hirsi.

hassanh@sclarc.org.

Phone: (310) 650-2726.

Saeed Megag Samater

ssamater@aol.com

Phone: (213) 272-5410

Top


Boorama: Koox Dhallinyaro Ah Oo Tababar Loo Xidhay

Boorama (W.wararka) Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal Maxamed Xasan Axmed ayaa in ka badan soddon dhallinyaro ah oo ka mid ah dadka Itoobiya ka soo noqday ee dalka u dhashay tababar ugu xidhay  xarunta AWSG  ee magaalada Boorama.

Tababarkan  oo  dhallinyaradaa u socday muddo sideed bilood ah ayaa waxay ku baranayeen xirfadaha kala duwan  sida dhar-tolidda,farsamada Baabuurta,dabka laydhtiriigga iyo dhaqidda Digaagga.

Guddoomiye ku xigeenka oo ka  hadlay munaasabadda xidhitaanka tababarkan xirfadeed  waxa uu  ka warramay sida xukuumadda  soomaaliland ugu dadaalayso inay tababar xirfadeed siiso dhallinyarada aan u helin fursadd  waxbarasho ee dalka ka maqnaa
muddada dheer taasoo uu caddeeyey in farsamooyinka ay haatan  noloshooda cusub  wax ka tari doonto isla markaana loo baahanyahay inay sii xoojiyaan.

Guddoomiye ku xigeenka ka hor waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Duqa Boorama Caabdiraxamaan Sh.Cumar,Isuduwaha wasaaradda Waxbarashada  Gobolka Awdal,Aadan Nuur Meecaad  iyo sarkaal ka  socday hay'adda CARE  xafiiskeeda Nayroobi masuuliyiintaa wuxuu dhammaantood   hadalkoodu ku saabsanaa in  la gaadhay wakhti  dhallinyarada dalka iyo kuwa debedda kasoo noqdayba  la siiyo tababarro ama fursado noocan oo kale ah.

Tababarka noocan ah oo ay  maalgelisay hay'adda CARE  ayaa waxa uu ahaa wejigii labaad  ee mashruucaasi lagu tababaryo dadka kasoo noqday xeryaha qaxootiga Itoobiya ee u dhashay Soomaaliland.

Dhinaca kale koox hantidhowrka Guud  ka socotay  oo shalay subax ku soo waaberiisatay Cusbitaalka Guud ee Boorama, ayaa dib ugu noqday Hargeysa kaddib markii ay joojiyeen shaqadii Baadhista ahayd  ee ay u tegeen Cusbitaalka Guud ee Boorama  saaka oo aan tegey cusbitaalkaasi oo ay ka socotay hawl lagu baadhayey dadka xanuunada ka qaba indhaha kuma arag kooxdaasi. Ilaa imika ma cadda sababta Kooxdaasi ka socotay hanti-dhowrku usii wadi waayeen baadhistoodaasi,iyaga iyo maamulka cusbitaalka guudna iima sheegin wax ku saabsan  joojintooda.Bil ka hor ayaa koox ka socotay hantidhowku  hawl baadhiseed ugu yimaaddeen    laamaha dawladda ee Boorama qaar ka mid ah sida dawladda Hoose ,balse baadhistoodaasi ma sababin wax xadhig  ah ama ganaax  ah oo loo geystay  dadka ka shaqaynayey goobaha ay baadhayeen muddo ka badan labada toddobaad iyadoo ay hantidhowrka guud caado u tahay inay warbixintooda ku saabsan musuqmaasuqu  aanay warbaahinta u gudbin.

Top


Wasiirka Caafimaadka Oo Caawimo Cusbitaalka Waalida Ah Ka Gudoomay Ururka HAVOYOCO

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka caafimaadka, Cismaan Qaasin Qodax ayaa shalay ururka dhalinyarada HAVOYOCO ka gudoomay caawimo bustayaal ah oo ay ugu deeqeen cusbataalka waalida Hargeysa, wuxuuna wasiirku caawimadaa ku gudoomay xarunta cusbataalka waalida, waxaana caawimadaas oo ka koobnayd 50 Buste wasiirka gudoonsiiyey madaxa maamulka ururka HAVOYOCO, Ismaaciil Maxamed Axmed, iyadoo ay munaasibadaa ka soo qayb galeen agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, Axmed Cabdi iyo maamulaha cusbataalka guud ee Hargeysa, Dhakhtar,Yaasiin Carab Cabdi iyo sidoo kale hawl-wadeeno ka tirsan ururka HAVOYOCO.

“Waxa farxad weyn ii ah inaan wasiirka caafimaadka gudoon-siiyo caawimadan bustayaasha ah ee aanu ugu deeqnay cusbataalka waalida”,sidaa waxa yidhi, Ismaaciil Maxamed Axmed, madaxa maamulka HAVOYOCO, laakiin wasiirka caafimaadka, Cismaan Qaasin ayaa isna halkaa weedho ka kooban kaga tiraabay, isaga oo yidhi “Waa wax aad loogu farxo deeqdan horteena taal oo ay cusbataalka waalida ugu deeqeen ururka dhalinyarada HAVOYOCO, iyadoo uu cusbataalku u baahan yahay caawimo, markaa waxaan dadka reer Somaliland, gaar ahaa dadka Hargeysa ku dhaqan u sheegayaa in hadii uu qof waliba waxa yar ee uu qaban karo uu cusbataalka ku caawiyo ay markaa baahida cusbataalku dabool mayso”.

Ururka dhalinyarada HAVOYOCO waxa kale oo ay khamiistii toddobaadkii hore ka qayb qaateen olole nadaafadeed oo laga sameeyey cusbataalka guud, iyadoo uu wasiirku caafimaadkuna ololahaa ka dhexmuuqday, iyadoo ololahaa la qaado maalin kasta oo khamiis ah.

Top


Wasiirkii Kalluumaysiga Oo Shaqada Laga Eryey Iyo Dareemada Laga Bixiyay “Eriga Gees Waa Ka horeeyay Sheekada Bayaanka” Iftiiminta Madaxtooyada.

“Sababta Eriga cidda wax Eriday baa og, aniguse…” Maxamed Siciid Gees

Hargeysa (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xilka ka qaaday wasiirkiisii Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Maxamed Siciid Gees, waxaana sidaa shaaca ka qaaday War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Cabdi Idiris Ducaale, iyadoo uu Madaxweyne Rayaale wareegtada uu xilka kaga qaaday wasiirkii Kalluumaysiga raaciyay amar sheegaya inuu wasiirka shaqada laga eryey xilka ku wareejiyo wasiir-ku-xigeenka Kalluumaysiga.

Laakiin wareegtada shaqada lagaga fadhiisiyay Maxamed Siciid Gees, waxay u qornayd sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta (Shalay) soo saaray Dicreeto Madaxweyne No: 205/2003, taas oo xilkii uu qaranka u hayay kaga fadhiisiyay wasiirkii Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Maxamed Siciid Gees, waxaanu Madaxweynuhu amray inuu xilka ku wareejiyo wasiir-ku-xigeenkiisa oo xilka sii hayn doona inta uu cid u soo magacaabayo” ayuu ku soo xidhay qoraalkiisa.

Xil-ka-qaadista Maxamed Siciid Gees, waxay ahayd mid kedis ah oo aan la filayn, sidaa awgeed waxay markii idaacadda Raadyow Hargeysa laga sheegay abuurtay doodo iyo faaqidaad dareen leh, taas oo ay dadku isweydiiyeen sababta keentay xil-ka-qaadista Maxamed Siciid Gees. Waayo, waxay dad badan ku noqotay sheeko kedis ah, laakiina haddana marka dhinac laga eego masuul xil laga qaadaa waa arrin iska caadi ah oo ay tahay inaan lala yaabin. Hase yeeshee, eriga Gees waxa uu ku soo beegmay xili ay atmosfeerka Siyaasadda ku dhex jirto arrin la xidhiidha nin ku xidhan Xabsiga Hargeysa oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Warsangeli ee Maxamed Siciid-na ka soo jeedo, ninkaas oo xadhigiisa loo aaneeyay dhinaca Madaxtooyada, waxay arrintiisu waxoogaa xur-guf ah ka dhex abuurtay odayaasha iyo masuuliyiinta beesha Warsengeli ka joogta Hargeysa iyo Madaxtooyada, waxaana cadadkii shalay ee Wargeyska Haatuf ku qornaa bayaan ay soo saareen odayaal iyo Mudanayaal Baarlamaanka ah oo ka soo jeeda beesha Warsengeli, waxayna bayaankooda kaga hadleen xadhiga ninkaa xidhan oo magaciisa la yidhaahdo Cali Cabdi Cabdile, isla markaana waxay ragga bayaanka soo saaray sheegeen inuu wiilkani u xidhan yahay Madaxweynaha.

Sidaa awgeed, markii uu eriga Gees soo baxay, waxay dad badani sababta loo eryey u qaateen in ay la xidhiidho bayaanka ay soo saareen Mudanayaasha iyo odayaasha Warsengeli oo uu Madaxweyne Rayaale ka cadhooday, una arkay inuu abaabulka ragga bayaanka soo saaray ka dambeeyay Gees, laakiin Afhayeenka Madaxtooyada, Cabdi Idiris, oo eriga Gees tafsiir ka bixinaya ayaa sheegay in aanay xil ka-qaadista wasiirkii Kalluumaysigu wax xidhiidh ah la lahayn bayaankaas ee ay ahayd arrin hore u qorshaysnayd, taas awgeedna ay xil ka-qaadista Gees iyo arrintaasi ay kala yihiin laba arrimood oo aan shaqo isku lahayn.

Sidoo kale, waxaanu isna dhiniciisa la xidhiidhnay Maxamed Siciid Gees, si aanu wax uga weydiino erigiisa. Maxamed Siciid Gees, wuu ka gaabsaday inuu wareysi faahfaahsan na siiyo, laakiin mar aanu ku nidhi erigaaga ka waran, wuxuu ku jawaabay; “Waa run oo xilkii waa layga qaaday, waxaana layga qaaday sidii awalba laygu dhiibay, beritona xilka waan wareejinayaa, war intaa dhaafsiisana ma hayo.”

Sidoo kale, Maxamed Siciid Gees, mar aanu weydiinay inuu sababta erigiisu la xidhiidho bayaankii ay jaraa’idka ku qoreen Mudanayaal iyo odayaal beeshiisa ahi, waxa uu ugu horeyn yidhi: “Horta anigu miyaan ku jiray magacyada bayaanka qoray, miyaanse idiin keenay,” laakiin isla su’aashii ayaanu ku celinay, wuxuuna ku jawaabay; “Anigu ma ogi sababta laygu eryay, wax soo bixi doona mooyi, cidii wax eriday ayaana sheegi karta sababta.”

Intii aanay soo if-bixin xil ka-qaadista Gees, waxa suuqa ku jiray xan odhanaysa ‘Gees waa is-casilayaa’, iyadoo sababta is-casilaadiisana lagu xidhiidhinayay xurgufta ka dhalatay wiilka la xidhay oo la sheegay in bilaysku ka qabteen guriga Gees oo uu joogay, waxaana jiray warar kale oo tibaaxay inuu Gees arrinta wiilkaa dhawr goor kala hadlay Madaxweyne Rayaale, laakiin aanay marna wax iskala meel dhigin. Sidoo kale, xubno mudanayaal ah iyo xataa Suldaanka Beesha Warsengeli, Suldaan Siciid Suldaan C/salaan ayaa la sheegay in ay xadhiga wiilka kala hadleen Madaxweyne Rayaale, laakiin aan la isku af-garan, iyadoo ay qolada bayaanka soo saartay qoraalkooda ku sheegeen inuu Suldaanku arrintaa ka cadhooday.

Inkasta oo uu Maxamed Siciid Gees ka gaabsaday inuu dareen ka bixiyo sababta erigiisa, isla markaana uu Afhayeenka Madaxtooyadu tibaaxay in aanay sababta eriga Gees xidhiidh la lahayn bayaanka Jaraa’idku qoray ee ka hadlaya wiilka xidhan, haddana koleyba waxay u egtahay inuu erigan kediska ah ee Gees dabada ku hayo qar-doofo dhexmartay Madaxweynaha iyo wasiirkiisa waxay doonto ha ku saabsanaatee, iyadoo Gees lagu tirin jiray xubnaha xilligan ugu miisaanka weyn golaha Wasiirada Somaliland.

Top


“Arrinta Wargeysku Faafiyay Waa Been-Abuur Aanay Waxba Ka Jirin” Beenin

“Waanu Soo Dhaweynaynaa Beenintiina, Waanuna…” Jawaabta Tifaftiraha

Burco (Haatuf): 10 xubnood oo aqoonyahano reer Burco ah ayaa si
kulul u beeniyey bayaan soo saareen 23 xubnood oo sheegay inay ka soo jeedaan beesha la yidhaahdo Faarax Cabdile (Burco), kuwaas oo ku dacwiyey inay dawladda Somaliland duudsiday saamigii ay beel ahaan ku yeelan lahaayeen kuraasta dawladda.

Qoraalkaas oo wargeyska Haatuf ku soo baxay cadadkiisii soo baxay 15/8/2003 waxa uu nuxurkiisu ahaa taageero loo muujinayey wasiirudawlaha arimaha gudaha, Aadan-Waqaf oo ay wakiiladu diideen ansixintiisa. Laakiin tobankan xubnood oo qoraalkooda beeninta ah shalay magaalada nooga soo diray, soona mariyey isgaadhsiinta Faakiska waxay si cadho ka muuqato u tilmaameen in laga been abuuray magacyadooda iyo mawqifkoodaba oo aanay qayb ka ahayn bayaankaa, iyaga oo yidhi “Qoraalka ka hadlayey cabashada beesha Faarax Cabdile waxaanu cadaynaynaa inuu ahaa been abuur aanu waxba ka jirin, ragayaga lagu qorayna aanaan ogayn”.

Raggani waxay intaa ku dareen inay wargeyska Haatuf dacwad ku oogayaan, iyaga oo ku dooday in arinta wargeysku faafiyey ayt tahay been abuur laga dhex samaynayo reeraha qaar iyo xukuumadda, iyadoo aanay reeraha la sheegayaa arintaa waxba ka ogayn.

“Ragga meesha ku qoran xataa qaarkood ma aha beesha laga hadlayo”ayey yidhaahdeen, waxayna kala yihiin tobanka xubnood ee qoraalka beeninta ah soo saaray:

Eng. Faarax Xuseen
Dr. Cabdi Yaasiin X. Saleebaan
Dr. C/laahi Axmed Rooble
Dr. Maxamed C/laahi Siciid
Prof. C/raxmaan Timir
Prof. Cismaan Maxamed Nuur.
Prof. Maxamed Cismaan Maxamud
Col. Abokor Ismaaciil Xasan
Axmed Caynab Qaal
Cabdi Aadan Nuur.

Jawaabta tifaftirka:

Hadii aad tihiin xubnaha sharafta leh ee kor ku xusan marka hore oo la odhan karo waxaad tihiin rag mudnaan iyo qaderin leh, marka hore waanu qaderinaynaa, waanuna soo dhowaynaynaa maqaalka beeninta ah ee aad na soo gaadhsiiseen, mar labaadkana xaq baad u leedihiin inaad jawaab ka bixisaan ama ka hadashaan arimo idin khuseeya oo uu wargeysku faafiyey, isla markaana wixii qadaf ah ama qoonsimaad ah ee aad maqaalka aad beeninaysaan ka tirsateen xagayaga waanu idinka raali gelinaynaa, nagamana mudnidin inaanu qadaf idiin geysano, anaguna idinkama mudnin, hadiise ay nimanka odayaasha ah ee na soo gaadhsiiyey qoraalka aad ka hadlaysaan ay magacyadiina iyo mawaaqiftiina ka been abuureen anagu xagayaga waanu ka xunahay, waanuna ka garaabaynaa cabashadiina arintaa ku saabsan. Isla markaana waanu qiraynaa wixii daw daro ah ee ay arintaasi leedahay. Laakiin saaxiibayaal anaga oo u gar iyo mar furan wixii daw naloogu yeesho, idinka laftiina ma idinla tahay inaad qoraalkiina u isticmaasheen weedho xinjiruhu da’ayaan iyo kelmado dhiilo ka urayso, anaga oo idin leh lafaha gura, xaragona haka tegina.

A. Ducaale (Tifaftiraha wargeyska).

Top


Abwaan Hadraawi oo Magaalada Burco soo gaadhay

Hargeysa (Haatuf): Abwaanka caanka ah ee reer Somaliland, Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ayaa shalay soo gaadhay magaalada Burco, ka dib markii uu muddo dhawr toddobaad gaadhaysa socdaalo ku galaabixiyey gobolada Somalida koonfuree, Isaga oo socdaalkiisa u dambeeyey ku soo maray degaamada iyo magaalooyinka dhulka maamul-goboleedka Puntland.

Sida uu ku soo waramay weriye, Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsani abwaan Hadraawi waxa jidka ku soo dhoweeyey kooxo dadweyne ah iyo baabuur badan oo reer Burco ah, kuwaas u soo gelbiyey dhinaca magaalada, laakiin intii aanu gurigiisa gelin waxay dadkii soo dhoweeyey ku soo wareejiyeen suuqyada iyo wadooyinka magaalada, intaa ka dibna waxa uu ku degay gurigiisa Burco, wuxuuna warku intaa ku daray inaanu Hadraawi wax hadal ah jeedin, isla markaana aanu cidna si gaar ah ula kulmin. Hase yeeshee abwaan Hadraawi maalmihii ka horeeyey imaatinkiisa waxa jiray faaqidaad iyo hadal hayn ku saabsan socdaalada uu ku marayey gobolada Somaliya, taas oo ay dadku ku kala afkaar duwanaayeen, iyadoo ay qaarna taageersanaayeen, qaarna ay naqdiyayeen ujeedada socdaalkiisa gobolada Somaliya, isaga oo soo maray meelo badan oo degaamada Somaliya, uguna baaqayey nabad.

Intii lagu jiray soo dhowaynta Hadraawi waxa dhacay shil sahlan oo aan keenin wax dhimasho iyo dhaawac ah, ka dib markii ay isduqeeyeen laba baabuur oo uu mid ka mid ahaa baabuurtii ka qayb gashay soo dhowaynta Hadraawi, midna ahaa baabuur qaad sida, ka dibna ay wadada isku duqeeyeen.

Top


Qaar Ka mid ah Dhuumaha Saliidda Ciraaq Oo La Qarxiyay

Baqdaad ( W.wararka) Bambo ayaa la sheegey in ay sababtey qarax ku dhacey dhuun shidaalka qaadda oo ka baxda Woqooyiga Ciraaq, iyadoo saliiddaasi ay tagto waddanka Turkiga.
Wasiirka ku-meel gaadhka ee Saliidda Ciraaq oo Mareykanku magacaabey ayaa sheegey in ay dhowr maalmood qaadan doonto inta laga kabayo dhuumahaas.

Thamir Ghadban ayaa wariyayaasha u sheegey in wakhtigan xaadirka ah ay maleenayaan in qaruxu uu ka dhashay bambo lagu tallaaley aagga dhuumuhu maraan.

Dabkaas oo dhacay maalintii Sabtidii ayaa waxa uu socdey 24 saacadood ka hor intii aan la daminin, iyadoo dabkaasi uu go'doomiyey qeybo ka mid ah dhuuntaas oo ku taal meesha la yidhaa Baiji oo ka tirsan Tikrit oo hooy u ahayd madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddaam Hussein.
Dhoofinta saliidda Ciraaq waxa ay xubin muhiim ah u tahay qorshaha Mareykanku uu doonayo in uu Ciraaq dib ugu dhiso.

Dhuumaha saliidda ee Sabtidii la qarxiyey oo shidaalka lagaga qaado magaalada Kirkuk ee woqooyiga Ciraaq laguna geeyo meesha la yidhaa Ceyhan ee Turkey, ayaa markii ugu horeysey la furey Arbacadii la soo dhaafey, iyadoo xidhneyd sidii uu dagaalkii Ciraaq u bilaabmey

Top


Wadahadaladii Waan-Waanta Liberia Oo Istaagay

Monrovia (W.wararka) Wadahadalada Nabadda ee dalka Liberia oo soo jiitamayay bilo badan, iyadoo dhexdhexaadiyeyaashu ay iskudayayaan in heshiis lagu wadagaadho dowladda ku meel gaadh ah oo xilka kala wareegta madaxweynaha jagadda hadda haya, Musa balah.

Islamarkaasna ay dowladaasi u horseedo dalka doorashooyin dimuquraadi ah oo la qabto mudo laba sanadood ah gudahood.

Arrrimaha hadda la isku mari la'yahay waxaa xudun u ah, dalabka kooxda mucaaradka ugu weyn ee Lurd ay ku doonayaan in la siiyo jagooyinka madaxweyne ku xigeenka iyo afhayeenka maamulka.

Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ku doodaya haddii aan dowladda cusub laga siin boosas muhiin ah, in ayna awood u heli karin in ay ka dhaadhiciyaan taageerayaashooda in ay hubka iska dhigaan.

Waxaa ku xusan hindisayaasha hadda la soo jeediyay, in xisbiyo siyasadeed oo rayid ah ay qabtaan jagooyinka sare ee dowladda.
Hase yeeshee, mucaaradku waxay sheegayaan in dadka rayidka ahi ayna awood u laheyn in ay dagaalyanahanada kubka ka dhigaan.

Hogaamiyeyaasha Afrikada Galbeed ayaa ka baqaya haddii mucaaradka la siiyo jagooyinka ay doonayaan in ay u muuqaneyso in la abaalmarinayo kacdoomada hubeysan, taasina waxay khatar ku sii noqoneysaa gobol horeba xasiloonidiisu u xumeyd.

Waxaa aad u sii kordheysa niyad jabka laga qabo in la isla meel dhigi waayay heshiis.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midowbay ee dalka Liberia, Jacques Klein ayaa sheegay, in loo baahan yahay in wadahadalada nabadda loo maro wadooyin kala duwan. Waxaana laga baqayaa in dagaalku uu dib u bilowdo haddii ay dhinacyadu qanci waayaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Liberia, isla markaasna ah madaxa wadaxaajoodka, Lewis Brown ayaa ka digaya in uu wakhtigu gabaabsi yahay.

dhinaca kale Qeyb labaad oo ka tirsan ciidamada Nigeria ee loo xuley in ay ka qeybqaataan ciidamada nabad ilaalinta ee loo dirayo Liberia ayaa gaadhey Monrovia.

Cunta qeybintii ayaa ugu dambeyn la bilaabey in la gaadhsiiyo dadkii sida daran ugu baahnaa ee joogey Monrovia. Ilaa haatan ciidamada nabad ilaalintu waxa ay ku guuleysteen inay kala ilaalshaan ciidamada dowladda u daacadda ah iyo kuwa Jabhadda ka socda.

Hay'adda samafalka ee World Vision ayaa aaggii ay joogtey ay ku soo qamaameen kumannaan dad ah oo baahan, iyadoo ay jiraan kumannaan kale oo gaajo la qalbi jabsan.

Cuntadii Qaramada Midoobey ee taalay dekadda waa la bililiqeystey, ka dib markii Jabhaduhu ay ka baxeen dekadda, wixii soo hadhey ayaa dadka loo sii qeybinayaa inta uu markab kale ka imanayo, taas oo laga yaabo in ay qaadato Todobaad ilaa tobanka maalmood ee soo socoda.

Top


Muslimiinta Ku Dhaqan Britain Oo Ku Mudaharaaday Booqashada Siyaasi Hinduus Ah

London (W.wararka) Muslimiin badan oo jooga London ayaa shalay Axaddii ka qeybqaatay mudaaharaad lagaga soo horjeedo booqashada uu Britain ku tegayo nin la yidhaa Mr Narendra Modi oo ah siyaasi Hindu ah oo xag-jira.

Dadka ka qeybqaatay bannaanbaxani waxa ay ka yimaadeen meelo dhaadheer oo ay ka mid yihiin Bolton, Birmingham iyo Leicester si ay u hareereeyaan shirweynaha Wembley oo la qorsheeyey in uu Mr Narendra Modi kula hadlo dadka aaminsan diinta Hinduu-ga.

Mr Modi waa wasiirka koowaad ee gobolka Gujarat oo ah halkii sanadkii hore rabashaduhu ka dhaceen oo Hindi xag jir ahi ay ku dileen Muslimiin gaadheysa laba kun oo ruux. Dadka la dilay waxa ka mid ahaa saddex Muslimiin ah oo heystey dhalashada Britain.

Rabshaduhu waxa ay bilaabmeen markii dad Muslimiin ahi ay weerar ku qaadeen Tareen ay saarnaayeey Hindi badan oo halkaas ay ku dileen 58 ka mid ah Hinduugii Tareenka saarneyd.

Dadka mudaaharaaday waxa ay Masuuliinta Gujarat ku eedeenayaan in ay ku guuldareysteen in ay horjoogsadaan dhiiggaas qubtey. Laakiin dowladda Hindiya wey beenisey in ay dambigaas Muslimiinta badan lagu diley ay lug ku lahayd.

Dadka bannaabaxan qaban qaabiyey waxa ay dowladda Britain weydiisteen in aan Mr Modi loo oglaanin in uu Britain cagaha soo dhigo. Laakiin dowladda Britain waxa ay ku jawaabtay lama hayo wax cad oo loogu diido dal-ku galka uu ku imanayo Britain.

Top


Indonesia: Qaraxii Jakarta oo dad loo Xidhxidhay

Jakarta(W.wararka)Booliiska dalka Indonesia ayaa sheegey in ay xidhxidheen toban qof oo lagu eedeeyey in ay ku lug lahaayeen qaraxii bishan horaanteedii loo geystey hoteel qaaliya oo ku yaal Jakarta.

Madaxa booliska Indonesia, Dai Bachtiar ayaa sheegey in dadkaas la qabqabtey ka dib markii meelo kala duwan ay dowladdu weerartey todobaadkii tagey. Laakiin Mr Bachtair wuu ka gaabsaday in uu war faahfaahsan ka baxiyo ciidda ay yihiin dadka la tuhunsanyahay ee la hayo.

Waxaanu yidhi isga oo arrintan ka hadlaya “waxa weli socda baadhitaan, waxaana aan weli daba joognaa dhowr qof oo kale. Waxa la ogsoonyahay in booliska Indonesia ay qoreen magacyo ay u maleenayaan in ay ku lug leeyihiin qaraxii Jakarta, tallaabadaas waxa ay qaadeen ka dib markii ay ogaadeen cidda uu yahay ninkii isku qarxiyey weerarkii lagu qaadey hoteelka Marriott”. Madaxii Mr Asmar Latin Sani oo kala go'an ayaa laga helay dabaqa shanaad ee hotelka.

Laba nin oo ka tirsan kooxaha dagaalyahanada Islaamiga ah ee la yidhaa Jaamaca Islaamiya oo haatan xidhan ayaa xaqiijiyey in Mr Sani uu ka tirsanaa ururkooda.

Warkan ku saabsan in horumar laga gaadhey qaraxii Jacarta waxa uu soo baxey wakhti ay Indonesia u dabbaaldegeyso maalintii ay qaadatay xorinimaddeeda.

Iyadoo laga cabsiqabo in ay falal aragixiso oo kale ay dhacaan maalmahan loo dabaaaldegayo xoriyadda ayaa ammaanka waddanka Indonesia taxadar gaar ah la galiyey.

Top


Rwanda Oo Isu Diyaarineysa Doorashooyinka Madaxtinimada

Kigali (W.wararka) Waddanka Ruwaanda ayaa isku diyaarinaya doorashooyinkii Madxweyninimo ee ugu horeeyey tan iyo markii dalkaasi uu ka dhacey xasuuqii ay dadka badani ku dhinteen.

Doorashooyinka Madaxweyninimadu waa tallaabadii ugu horeysey ee lagu hirgalinayo nidaamka siyaasadda ee Ruwanda, kaas oo looga golleelyahay in uu dheelitir ku sameeyo xisbiyo badan oo ku shaqeeya dimoqraadiyadda oo waddanka ka ilaaliya in ayna soo laabmin siyaasaddii xag-jirnimada ahayd ee ku saleysneyd jinsiga.

Cod bixintani waxa ay soo afjari doontaa sagaal sanadood oo waddanka ay ka talineysey dowlad ku-meel gaadh ah oo ay hogaamineysey Jabahaddii RPF. Dadka haatan u baratamaya Madaxweyninimadda Ruwanda waxa ugu xoog badan oo u horeeya musharaxa RPF, Mr Paul Kagame oo ah ninka haatan haya jagada madaxweyninimada.

RPF waxa ay ay baryahanba waddanka oo dhan ka wadeen olole doorasho oo wajiyo badan iyadoo lacag badan ka leexistey musharaxiintii kale ee tartanka kula jirtey.

Paul Kagame dadka ka soo horjeeda waxa ugu culus ninka la yidhaa Faustin Twagiramungu oo ah Hutuga qunyar socodka ah, horena u ahaan jirey Ra'iisalwasare oo mastaafuris ka soo laabtey sanadkan horaantiisii.

Waxa masuuliinta doorashooyinku ay todobaadkan ku eedeeyeen Mr Twagiramungu in uu khudbado uu jeediyey ku dhiirigalinayey qeybsanaan ku saleysan jinsiyado iyo qabiil.

Twagiramungu waa uu beeneeyey eedeymahaas, waxaana uu ku doodey in RPF ay abuurtey hadalkaas iyadoo ka walaacsan xadiga ay le’egtahay taageerada uu heysto. Waxa kale uu Twagiramungu uu sheegey in masuuliinta dowladdu ay iskudayeen in ay u caga jugleeyaan oo ay cabsi galiyaan taageerayaashiisa.

Laakiin RPF waxa ay ku adkeysaneysaa in doorashooyinku ay u dhici doonaan si xor ah oo loo siman yahay, waxaana ay RPF saadaalineysaa in ay dooorshada si weyn ugu guuleysan doonto iyadoo taas ku saleyneysa guusha ay ka gaadheen in waddanka ay xasilooni ku soo dabbaalaan.

Laakiin kooxaha u ololeeya xuquuqda aadamaha ee caalamiga ayaa camabaareeyey waxa ay ku sheegeen caqabadaha hor yaal siyaasadda iyo xoriyadda dadka reyidka ah ee ku xidhiidha doorashada soo socota.

Top


Werwer Adduun Iyo Wacdaro Jacayl, Sheeko taxane ah ---Q: 12aad -- Waxa qoray: cumar cali iidle

Muddo markii la joogayba Bilis ayuu aabbihii u diray magaalo yar oo ay shaqadiisu uga socotay, si uu ugu maamulo hawl maalmeedka bartaa ka dhacaya. Guri ayuu u dhisay halka uu gaadhi uu ku shaqo tagana uga iibiyey. Xilligaasi waxa raacday Hooyadii oo ay soddohnimadu ku cusbayd oo ay intaasi u dheerayd iyada oo xannaanayn gaara siinaysay labadani is calmaday ee Arooska cusub ah.

Waxay ahayd goob u fiican laba isku cusub oo hadduun laafyoonaya oo kala qoqobnaa. Waa magaalo aad u yarayd,tirada dadka ku noolaa aanay ka badnay laba boqol oo ruux. Goob ganacsi ayey ahayd oo aad muuqaalkeedu ku habboonayd in loo dalxiis tago, ugaadha lagu dhaqo, oo dhirta sii dabar go’aysa lagu xannaaneeyo.

Lammaanahani waxay maallin kasta u dalxiis tegi jireen kaymaha kala geddisan ee ay ku nool yihiin makhluuqaadka Alle ee kala geddisan dhulka xareedi wadhan tahay, raxmaadkuna maansheeyey oo aan hadh iyo habeen tiix amma mahiigaan ka kala qaadin. Sidaasi ayey dhirta ubuxu guudka qariyey, caynba cayn ahaayeen oo ay midabada ubaxa hadba kaad calmato indhaha ku nuurinayso.

Hadba dhan ayey u laafyoodaan iyagoo gacmaha laba duble u laabay, gaadhigiina duleedka ayey dhigeen. Waxa intaasi u dheeraa muuqaallada ay maankooda ku sawiranayaan ee ah in haddii ay carruur dhalaan mar kasta goobtani u dalxiis geeyn doonaan. “halkani waxay ku habboonayd in abid la deganaado” ayey Ilhaan tidhi. Bilis oo il-qoodha farxad darteed ka fiirinaya ayaa yidhi “waa nimco Alle, intuu innoo qorayna waynu joogaynaa” “haa, weligay maan filayn in aynu labadeennu is calfan doonno halkana ku wada laydhsan doonno oo….” Ayey Ilhaan tidhi.
Inta uu hadalkii ku jaray ayuu yidhi “kalgacayl iyo nolol cusub innooga sheekee, oo iska illow wixii hore innoo soo kala dhex maray mar haddii aynu labadeennuba libintii gaadhnay”.

Geelle, waa odaygii inanta laga guursadaye, iyo Fu’aad oo ay Bilis habro wadaag ahaayeen ayaa talo iyo cahdi meel wada dhigtay. Waxay rabeen inay odaygan dhaxal wareejiyaan. Sababtaasina waxa lahaa Fu’aad oo tabasho ka lahaa. Wuxuu ahaa agoon ay labadiisa waalidba dhinteen oo ay soo kafaallo qaadday habaryartii Weris. Waxay isla mar keliya soo wada koreen Bilis, isku da’ ayey ahaayeen, si isku mid ah loo soo wada dhaqaaleeyey, hase ahaatee arrin uu gocanayey darteed ayuu tallaabooyinkani u rabaa inuu u qaado. Wuxuu Fu,aad yidhi “horta muddo badan ayaan bilaa camal ahaa oo aanu Wacaysna wax shaqo ah I siinin, waxaan rabaa inaan odaygan xoolihiisa ka faa’idaysanno inta uu wiilkiisu maqanyahay ee bal ila tali”. Geelle ayaa yidhi “anigaba dantuunbaa igu khasabtaye habeen qudha reerkaa inantayduna uma dhaxdeen. Habar yartaa ayaad u teysaa, waxaad ka codsanaysaa in ay odayga shaqo kuu weydiiso, ku adkee arrintaasi marka ay kuu suurto gasho igu soo noqo.”

Sidii ayuu Fu’aad yeelay oo wuxuu u tegey habryartii. Isagoo nin murugoonaya iskaga dhigaya ayuu ku yidhi “Habar yar, inbadan ayaan aqalkaaga ku soo noolaa oo aan ku soo barbaaray, Hooyaday oo kale ayaad tahay hase ahaatee anigoon jecleyn in aan kaa ag tago ayey duruuftu igu kellifaysaa ee nabad gelyo iina soo ducee”. “Oo miyaad anigaba shaqo weydiisatid?” ayey weris su’aashay. “habar yar, dhowr jeer ayaan isku deyey, laakiinse markaan u tag is idhaaba waan ka xishoonayaa.” Ayuu Fu’aad isagoo hoos u foorora oo ilmadu ka gobo’leynayso ku yidhi.

La soco.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Talo Qaybsiga Xubnaha Baarlamanka

Talo: Qaybsiga Xubnaha Baarlamanka
KU: Xisbiyada UDUB, UCID, KULMIYE.
KU: Saxaafadaha madaxa banaa (online or on papers).
KU: Baarlamaka iyo Guurtida Somaliland.
KU: Dadwaynaha Somaliland Gudo iyo Dibadba
KA: Ururka Wadaniyiinta Somaliland.

Iyada oo la isticmaalayo Tirooyinkii laga helay Doorashadii Madaxwayna iyo Madaxwayne ku xigeenka, waa in xubnaha golaha Baarlaku lagu loo qaysado sidan.Waxaan aaminsanahay waa in la isticmaalo Tirooyinka doorashanan ka soo baxay, waayo

a) waxaa ku baxay lacag badan si aan u ururino tiradani.
b) Waxaa tirada lagu soo doortay dawlada dhexe ee dalka maanta ka talisa.
c) Waxaa la isku raacin waayay Doorashada Madaxtooyada iyo tan Baarlamanku waxaa ahayd in la helo tiro ku dhaw dadku sida ay dagaanka u dagaan, mana jirto tiro uga dhaw tiradan dhabta ah oo aanu maanta isticmaalikarnaa.

Waxaan Haatif ka akhriyay Baaq ay si wadajira u soo saareen saddexda xusbi ee qaranku, oo odhanaya in lagu qaybsado Baarlamanka sidii lixdamadii shaxda loo dhigay oo lagu dhuftay”factor” 2.5. Waxaan qabaa in aanay tani cadaalad ahayn, maskaxdana ku fadhiyin in lixdaneeyadii dib loogu noqdo, iyada oo dawlada maanta dhulka ka talisaa ku dhisantahay tiradan. 43 sanno wax badan ayaa iska badalay dagaanka Somaliland, oo meelaha qaarna way kordheen, qaarna hoos ayay u dhaceen tirada dadka ku nool.

Hadaba marka aan eegno labadan “Sceneria” waxaan soo saari karnaa Degno kasta xubna Baarlamanka uga qayb gali kara.

1) Haddii ay 90% footayeen doorashadii Madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka , tani waxaa ay u dhigantaa (0.9) (498,639*) = 44,8775. Hadaba hadii 44,8775 aanu ka goyno Totalka dadka codkooda dhiibtay doorashadan oo ah 49,864. Tani macnaheedina waxaa weeye inaanay doorashada Madaxwaynaha iyo Madax wayne ku xigeenkiisa ka qayb galin 49,864 qof ama cod. Markaa 100% dadka ku nool Somaliland ee codaynkaraa waa 548,503. Mar haddii uu Golaha Barlamanku yahay 82 (sida uu dastuurku dhigayo) waxaa ku soo hagaagaya 6,689 qofba xildhbaan u diraan Golaha  Barlamanka.

2) Haddii ay 85% footayeen doorashadii Madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka , tani waxaa ay u dhigantaa

(0.85) (498639*) = 42,3843. Hadaba hadii 42,3843 aan ka goyno Totalka dadka codkooda dhiibtay doorashadan oo ah 49,864. Tani macnaheedina waxaa weeye inaanay doorashan ka qayb galin 74,796.  Marka 100% dadka ku nool Somaliland ee codaynkaraa waa 573,435. Mar haddii uu Golaha Barlamanku yahay 82 waxaa ku soo hagaagaya 6,993 qofba xildhabaan u diraan Golaha  Barlamanka.

* Tiradani waa tiradii 19kii April 2003, ay Maxkamada sare soo saartay.Waxaanad ka heli kartaan UDUB websitekooda.

Gobolada 90% 85% Lixdankii**
Hargeysa 22 21 5
Gebiley 6 6 1
Balligubadle 1 1 0
Salaxley 2 2 0
Wadar Gobol 32 31 6
Boorama 7 7 4
Salyac 1 1 2
Baki 2 2 0
Lughaya 1 1 0
Wadar Gobol 10 10 6
Berbera 4 3 4
Sheekh 1 1 1
Wadar Gobol 5 4 5
Burco 12 12 5
Oodweyne 5 4 1
Buuhoodle 1 1 1
Wadar Gobol 17 17 6
Caynabo 2 1 0
Wadar Gobol 2 1
Ceerigaabo 6 6 2
Gar'adag 1 1 0
Ceelafweyn 2 2 1
Wadar Gobol 9 8 3
Wadar Guud 76 71
Aan Footeen 7 ----
Aan Footeen ----- 11

** Tiradan waa sida ugu dhaw, ee waqtigaa loo qaybiyay. Waxaa laga yaba meel iyo laba inay is badalaan, laakiin waxaan doonayaa in aan idin tuso sida uu wakhtigaa loo qabsan jiray. Las Caanood oo 4 ahayd iyo Las qoray oo 2 ahayd ayaa numberka ka dhigaysa 33. Haddii 2.5 aad ku dhufatid 33 waa 82 Xildhibaan.

Omar A. Yousuf, Ururka Wadaniyiinta Somaliland.

Top


Dhibaatada Ha Laga Daayo Qoyskii Mujaahid Dhamac

Dhibaatada waxa inoogu wacan la is ma weydiin. Xaqu goorma ayuu noqday ina hebel iyo reer hebel. Waxaynu ka dagaalamaynay miyaanu ahayn xaqdaro? Goorma ayey dadkii reer somaliland ku dhaadan jireen noqdeen dad guryahoodii laga caydhiyo.

Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo e aabahay Mujaahid Aaden Dhamac Diiriye noloshiisa wuxuu ku dhamaystay in uu dadkiisa uu hadh iyo habeen heegan u ahaado. Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabsho e mujaahid Aaden Dhamac wuxuu ahaa nin kii snm oo  dhami maalintay ugu darnayd isaga oo welibana dhaawac ah ay is la garteen in uu noqdo taliyaha AAGA MAKA.

Taariikhda mujaahid AADEN DHAMAC DIIRIYE iyo wuxuu dadkiisa iyo dalkiisaba u soo qabtay qofwaliba oo snm ahi wuu garanayaa.
Maanta markuu hoyday waxaad moodaa in si cadaawad ku jirto loola dhaqmaayo qoyskii uu ka tagay. Xaqdaro cad iyo laaluush doon aan geedna loogu soo gaban ayaa tan iyo maalintii uu geeriyooday lagu hayaa reerkayaga. Xataa waxay gaadhay in police la keeno gurigiisii oo maatidii uu ka tagay dibada la soo dhigo lagana caydhiyo.

Waxaan ka codsanayaa xukuumada gaar ahaana wasaarada arimaha gudaha iyo masuuliyiinta policeka ee arinkan ka masuulka ah:  aniga oo ah Cabdi Raxmaan Aaden Dhamac ah na inanka qudha ee uu ka tagay ala yarxamu raaximiin e Mujaahid Aaden Dhamac Diiriye kuna nool dalka dibadiisa in caga juglaynta iyo boobka aan geedna loogu soo gaban laga daayo reerkayaga.

Anaga oo kala kulanay dawladii Maxamed Siyaad Bare dhibaatooyin badan iyo cago juglayn sababta oo ah aabihiin baa talaabay. Maanta waxaa nasiibdaro weyn iyo qalbi takh takh nagu riday in dawladii ay snm dhalisay ay maanta Hargeysa 2003 cago juglayn iyo baqdin ku riday kana caydhisay gurigii uu ku jiray caruurtiisii iyo maatidii uu ka tagay marxuunku. Raga maanta wasiirada sheeganaaya (arimaha gudaha iyo ku xigeenka policeka) ee caruur iyo maati u itaal sheegtay waxaan leeyahay taariikhdu waa lama ilaawaan ilaahay baana awood leh.
 
Runtii la is ma caasiyo ee shacabku hiil iyo hooba wey u hureen somaliland. Halganku muu dhamaan jacaylka aan dadkayga iyo dalkayga aan u qabaa waa mid weyn maahana wax uu bedeli karo wasiir qabiil iyo jahlinimo ku shaqeystaa. Waxanan ugu baaqayaa dhalinyarada jecel in ay xaqa u diriraan dal iyo dibadba in anynu dadaalkeena sii kordhino,
Ilaahayow dareenka ha naga dilin.

Wa bilaahi tawfiiq.

Cabdi Raxmaan Aaden Dhamac.

The Netherland.

Top


Waxaad Walaftay oon Wad Kaa Helin Ka Waantoobay Waa War Loo Noqon

Marka hore waxaan soo dhawaynayaa sii daynta dhallinyaradii u xidhnayd siyaasadda ee dhawaan ay sii daysay maxkamadda Hargeysa ka dib markii lagu waayey wax dambi ah. Dhalinyaradaas oo hadda xidhnaa muddo ku dhow saddex bilood waxaa la xidhay 19kii Mey ee sannadkan, waxaa laga qab qabtay suuqa  iyadoo aanay dawladu caddayn sababta loo xidhay. 

Xukuumaddu waxay  sheegtay inay maxaabiistani u xidhan yihiin dhinaca ammaanka awgii, waxaase shacbigu aaminsanyahay inay u xidhanaayeen aragtidooda siyaasadeed oo ay u codeeyeen xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE.  Waxaana taas ka marag ah sii dayntan ay maxkamaddu xukuntay markii xukuumaddu ku fashilantay inay soo caddayso eedaymahii lagu soo oogay.

Haddaba waxaa nasiib darro ah inaan dhalliyaraas maxkamad lasoo taagin oo ay muddo ku dhow saddex bilood ah u xidhnaayeen rumaan arrintaas oo kasoo horjeeda distoorka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee la xidhiidha dhawrista xuquuqal insaanka.

Waxaan la soconaa in Madaxweyne Rayaale talada dalka ku qabtay xaqii uu siiyey distoorku  kadib markuu geeriyooday alla haw naxariistee madaxweynihii hore , haddaba waxaa ceeb ah inuu madaxweyne Rayaale jebiyo distoorkuu ku caano iyo nabadba maalay ee ku helay mansabka ugu mudan Maandeeq ee uu maanta hayo. Iyadoolagu xidhay xaqdarro dad shacbi ah oo uu duudsiiyey xuquuqdooduu distoorku siiyey. Waxaana cad in madaxweyne Rayaale jebiyey qodobka 27naad oo dhigaya:qofka xoriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed waxa uu xaq u leeyahay in maxkamad lagu hor-geeyo 48 saacadood gudahood laga bilaabo marka la qabtay. Waxaanan la soconaa in wiilashu xidhanaayeen muddo ka badan laba bilood.

Sidoo kale madaxweyne Rayaale wuxuu jebiyey qoddobka 25aad ee distoorka, faqradiisa 1aad oo odhanaysa “Qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.”

Madaxweyne Rayaale wuxuu kaloo jebiyey Qodobka 26aad, faqradiisa 3aad, oo u dhigan “eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaan dembi”.

Waxaana halkaas ka cad in madaxweynuhu jebiyey distoorka Somaliland sidoo kalena ku tacadiday xuquuqda maguuraanka ah ee muwaadiniinta Somaliland.

Haddaba waxaa xaqiiq ah dhalinyarada siyaasadda u xidhnaa oo dhammaantood ka tirsan yihiin xisbiga KULMIYE ay Somaliland ku noqotay canbaar ay ku dhaleeceeyaan ururada xuquuqda aadamiga ee ay ka mid yihiin ururka African Rights,  Ururka Qalalaasaha Dunida, Somaliland Forum iyo ururo kale oo madani ahiba. Waxaanay xadhiga maxaabiistan siyaasadeed  caqabad ku tahay olalaha ku saabsan sidii Somaliland loogu heli lahaa ictriraaf caalami ah.

Dhalinyaradan la sii daayey waa  xubno ka mid ah mujaahidiintii SNM ee  dalka u soo halgamay oo xukuumaddu u aragto inaanay taageersanayn xisbiga dawladda ee UDUB.

Haddaba madaxweynaha Maandeeq ee xidh xidhay mujaahidiinta waa kii 91kii isagoo lagu tuhusan yahay inuu ka qayb qaatay xasuuqii dalka ka dhacay oo uu ahaa taliyaha Nabad Sugidda qaybta lix iyo libaatanaad wakhtigii xasaasiga ahaa ee uu socday xasuuqa lagula kacay shacbiga Somaliland,  markii SNM dalka xoraysay mudane Rayaale may xidhin lagumana dabagelin danbiga lagu tuhunsan yahay inuu dadka ka galay.

Waxaana ayaan darro ah inuu maanta isagu xidho mujaahidiinta dalka ka xoraysay isaga iyo rajiimkiisii. Waxaana muuqata madaxweyne Rayaale inkastoo dalka xukumo kuwii dalka xoreeyeyna shacbigiisa ka mid yihiin,  iyadoo aanu ku soo oogin wax danbi ah ay muddo saddex billood ah xaq darro ugu hoydaan  jeelasha. Taasoo ah arrin laga filaayey inuu ku kaco nin lagu tuhunsanyahay inuu ka qayb qaatay gumaad,  haddana iyadoon la xisaabin loo doorto madaxweyne qaran.  Waxaana Somalidu tidhaahdaa WAXAAD WALIFTAY OON WAD KAA HELIN WAANKAWAANTOOBAY WAA WAR LOO NOQON. Xadhigan wiilashani waa mid ay ka warrami doonto taariikhda soo jireenka ee Maandeeq.

Haddaba waxaan ka codsanaynaa xukuumadda  Rayaale inay faah faahin ka bixiso arrinta la xidhiidha xadhiga wiilashaas oo ay shacbigu dibad iyo gudaba iska waydiinayaan su’aalo badan oo jawaabo u baahan.

Waxaanan ka codsanayaa wiilasha hadda laga sii daayey xabsiga inay qareeno qabsadaan oo xukuumadda ku soo oogaan dacwad ka dhan ah oo la xidhiidha muddada saddex bilood ah u xidhnaayeen xaqdarrada lagana qaaday xorriyadoodii iyo xuquuqdoodii muwaadinimo.

Waxaanan ugu danbayn ka codsanayaa in xukuumaddu dhowrto distoorka  kana waan towdo falalkaas aan kor ku soo sheegnay ee hujuumka ku haysa dimoqraadiyadda  curdinka ah ee hadda la rabo inay ka hano qaaddo Maandeeq, waxaan sidoo kalena  xukuumadda ku boorinayaa inay ilaaliso distoorka iyo xuquuqda aadmiga.

Waad mahadsantihiin,

Cabdi Cabdillahi Xasan, London

Top


Waa Maxay Xil-Wareejinta Hagaagsani? Maxamed Muuse Geed – Xoghayaha Guud ee UCID, Q: 2aad.

Ujeedada u weyn ee aan ka leeyahay maqaalakan waxay tahay inay dadweynuhu wax ka ogaadaan masuuliyadaha kala gadisan ee saaran hayadaha dawladda. Waxaan jecelahay in wixii aan ka tagay amase ay tahay in lagu kordhiyo ee muhiim ah lasoo sheego si loogu daro xilalka aan tilmaamay.

2. Waxaan ku rajo weynaa inay ka faaloodaan madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Hantidhawraha Guud, shirgudoonka golaha wakiilada, khubarada dhaqaalaha ee xisbiyada siyaasiga ah iyo aqoonyahanada reer Somaliland maqaalkii hore ay ku saabsanaa LA WAREEGIDA XILKA WASAARADDA MAALIYADDA, hase yeeshee wax dood ah lagama soo jeedin.

Tolow ma anaa waxaan jirin qoray mise nidaamka toosan ee sharciga waafaqsan ayaan dan laga lahayn. MACAL-CUNE SOO BIXI-DOONEE!… ( We will require the parliament to appoint an inquiry commission that will conduct extensive investigation on how public funds collected but not brought through Govt books has been utilized in the near future).

3. Maqaalka 2aad wuxuu tilmaamayaa XILKA SAARAN WASAARADDA GANACSIGA IYO WARSHADDAHA QAARKEED. Sida la wada ogsoon yahay WAAXDA MAAMUSHA DHAQAALAHA WADANKA waxay ka kooban yahiin Hay’adaha hoos ku xusan:

WASAARADDA MAALIYADDA;
WASAARADDA QORSHEYNTA;
WASAARDDA GANACSIGA;
RUGTA GANACSIGA;
BANGIGA DHEXE;
HANTIDHAWRAHA GUUD;
DAWLADDAHA HOOSE EE MAGAALOOYINKA.

4. Gaar ahaan waxaan Wasaaradda Ganacsiga ka filayaa inay dalka u diyaariyeen sharciyada hoos ku xusan iyagoo la kaashanaya hayadaha kale ee waaxda dhaqaalaha:

Sharciga ganacsiga gudaha iyo dibadda;
Sharciga sameynta shariikadaha;
Sharciga maalgalinta dalka;
sharciga warshadeynta dalka iyo u qoondeynta dhul u gaar ah.;
sharciga cashuur dhaafka warshadaha iyo shariikadaha isgaadhsiinta ee dalka ka shaqeysta ( ma dhabaa inaanay bixin cashuurta dawladdaha hoose ‘sales tax’ iyo cashuurta dakhliga kasoo baxa ganacsigeeda).

5. War-bixinta aad kala wareegtay wasiirkii hore waxaan filayaa inay si faahfaahsan uga hadashay MUCAAHADADAHA GANACSIGA AH ee lala galay DAWLADDAHA amase SHARIIKADAHA CAALAMIGA AH IYO KUWA wadaniga ahba. War-bixintaasi waa inay faalo dheer ka bixisaa sida loo hirgaliyey mucaahadooyinkaa mid walba, kuwa aan la hirgalin iyo kuwa hirgalintoodu keentay carqalado amase keeni-doonto. Gaar ahaan mucaahadadii lala galay TOTAL ee la tuhunsanaa inaan si hufan oo DANTA GUUD EE DALKA DARYEELEYSA LOO AGAASIMIN, hadana sidii la rabay loo maamulin mucaahadadii lala galay. War-bixintii ma sheegtay arrimaha soo socda:

Tirakoob sheegaya tayada iyo nooca saliida ay soo dajisay TOTAL MUDADII LAGU WAREEJIEYEY XILKA HAAMAHA;
CASHUURTII LAGA QAADAY INTEEYBAY NOQOTAY, MA KUNA HOYATAY XISAABIYAHA GUUD, MISE WAXAY KU HOYATAY XISAABAHA BANGIGA DHEXE KU DHACA EEN LALA SOCODSIIN XISAABIYAHA GUUD, WASIIRKA MAALIYADDA IYO HANTIDHAWRAHA GUUD i.e 1999,2000,2001,2002 & 2003;

Ayaa qiimeeyey DAAYICTIRKA la yidhi waxa sameeyey TOTAL, inteebaa ahayd inuu ku kaco dayactirkaasi, ka bacdina maxay TOTAL ku sheegtay kharashkii kaga baxay..ayaana u marag kacay TOTAL inuu kharashkaasi sax yahay?

Xisaab-xidhkii TOTAL ee sanadadii 1999/2000/2001 & 2002 ( final accounts of M/s TOTAL) cashuur intee le’eg baa laga qaaday ( normal business income tax for central govt plus sales tax for local govts).

6. Inkastoo la lahaa xilka DAKEDDAHA DALKA waxay hoos yimaadaan Madaxtooyada hadana anigu waxaan qabaa inay hoos timaado wasaaradda ganacsiga. Sidaa awgeed waxaan ku rajo weynahay in wasiirka cusub lala socodsiiyey HAWLAHA LA XIDHIIDHA DAKADDAHA. Wasiirkii hore iyo kuwii ka horeeyey MAKU DHAXALSIIYEEN SHARCIYADA IYO SIYAASADDA ay tahay in lagu maamulo DAKEDDA. GUDIDA HAGTAA Maamulka Dakedda IMISE XUBNOOD BAY KA KOOBAN YIHIIN, HAYADAHA DAWLADDA ayaa waheliya. Ma iyagaa ansxiya hawlgal sanadeedka maamulka u madaxa ka yahay Maareeyuhu u soo qorsheeyey, imisa goor bay fadhiistaan sanadkii, sideebayna xilkooda u gutaan. Ma iyagaa ansixiya xisaab-xidh sanadeedka intaan loo keenin Golaha Wakiilada. Ma ka warhayaan in xisaab-xidhyada Dekadda ee sanadkii 2002 lagu muujiyey kharash cirmri-dhinka qalabka dakedda oo dhan So.shs.500,000,000=, taasoo u muuqata in siyaasada xisaabaadka dakeddu in sanad walba % dhakhliga guud ee dakeddu soo saarto meel loo dhigo si loogu maalgaliyo soo iibsiga qalab cusub. Waxa laga yaabaa oo kale inay jirto lacag gaar loogu keydiyo maalgalinta qalab cusub iyo horumarinta dakedda.

Waxaan filayaa mudadii 1997,1998,1999,2000,2001 & 2002 loo keydiyey lacag dakedda daryeelkeeda ku filan. Arrimahaas war-bixinta dakeddaha ma lagu daray. Waxaan war ku helay inay Hayada UNTAD si aad ah u caawisay hawlgalka dakedda mudadaas, war-bixintu ma qiimeysay mucaawanada la siiyey mana tilmaantay siday kala ahaayeen i.e funds for equipments, consultancy services for capacity building programs and other development activities of port infrastructures. Xisaab-xidhyadii 1997,1998,1999,2000,2001 iyo 2002 waa kuwee hantidhawrayaasha baadhay maxayna kaaga warantay war-bixintoodii hadii aad heshay.

7. War-bixintii gudidii MUSUQMAASUQU KUSOO oogtay MAAREEYAHA DAKEDDA maxaa laga yeelay bay leedahay war-bixintii aad la wareegtay. Hadii la ogaaday inay dakeddu baylahsan tahay oo maareynta hadda maamusha daacadnimadooda iyo wadanimadooda aad loo qawaday ma xoog bay ku joogaan meesha. WAR-BIXINTA LAGU SIIYEY TALO MAKA BIXISAY IN BAADHITAAN LAGU QAADO MAAREYNTA DAKEDDA MUDADII EE XILKA HAYEEN, TALO MAKA BIXISAY IN DADKA LAGU TUHUNSAN YAHAY MUSUQMAASUQ IYO EDEB-DARO RAGAADINAYSA HAWSHA DAKEDDA LAGA SAARO SHAQADA AMASE LAGA BADALO HADII DANBI LAGU WAAYO. Waxa aynu ka hadlaynaa waa HALBOWLIHII DHAQAALAHA SOMALILAND, waxaynu ku qasbanahay in dadkeena inta aynu ku tuhunsanahay karti , hufnaan iyo xilkasnimo daacad ah loo DHIIBO MAAMULKA DAKEDDA SI DHAKHSO AH.

8. War-bixintii wasiirkii hore ma ku qanacsan tahay inay dakeddu dawladda dhexe ku deeqdu dhakhli ka kooban sos.shs.1000,000,00=. Hadii war-bixintu arrintaas ka faaloon WAXBA SHEEGI MAYSO. SHICIBWEYNUHU WAXAY XAQ UGU LEEYIHIIN DAWLADDOODA IN LAGA QANCIYO HALKA LACAGTII DAKEDDU MARTAY.

9. War-bixintu maka sheekeeysay Dhulka lagu xalaashaday WARSHADAAN KA DHISAYAA EE hadda MUDO KA BADAN LABO SANO AAN WAXBA LAGA DHISIN. Sharciga wadanka u yaalaa ee warshadeynta ma cashuur dhaafbaa in la siiyo warshad-kasta mise waa warshadaha wadanku aad ugu baahanyahay sida kuwa hilibka qasacado ku rida, kuwa hargaha farsameeya,….iyo wixii la mid ah….mise. Siyaasad cad oo dadweynaha qanci karta ma jirtaa?

Warshadaha hada ka hirgalay dalka ganacsiga ka dhashaa sideebaa dawladdu ula socotaa….sicirka ay ku iibiyaan, badeecadaha laga sameeyo, xirfada shaqaaalaha ay dibada kasoo qortaan etc...

10. War-bixintu ma ka warantay sida wadanka caafimaadkiisa looga ilaaliyo wixii caafimaad-daro dibada INOOGA IMAN KARA. Xafiis ma ku leeyahay DHAKHTARKA ka hortaga caafimaadka dadekadda gudaheeda si ay u hubiyaan inaan DAAWOOYIN IYO BADEECADAHA CUNTADA AH OO WAQTIGOODII DHACAY amase caalamka laga takooray caafimaad daro awgeed AAN DALKA LASOO GALIN!!!!!!. War-bixintu ma ka sheekeysay in XOOLAHA LA DHOOFINAYO INAY CAAFIMAAD QABAAN LA HUBIYO.

11. War-bixintu tafaasiil iyo tirokoob maka bixisay badeecadaha kala gadisan ee kasoo gala wadanka dakeddaha, Gegida Dayuuradaha iyo meelaha loo cayimay inay badeecadaha wadamada jaarka ahi kasoo galaan.
12. War-bixintu mudane wasiir lagu dhaxalsiiyey ma sheegtay in GOLAHA WAKIILADU SANAD WALBA KA DOODAAN XISAAB-XIDH SANADEEDKA DAKEDDA QARANKA, TOLOW MISE WARBA KAMA HAYAAN?

13. SI NIDAAM LOOGU DHISO HAYAD WAL OO DAWLI AH FADLAN KASOO FAALOODA MAQAALKAN. WAA MAHADSAN TIHIIN.
Qore: Mudane Axmed Muse Geedi (Sanjab)
Xoghayaha Guud ee Xisbiga ‘U.C.I.D’

Top


“Aniga Ayaa Ugu Goolal Dhallin Badnaa Sannadkaa Tartankii Dugsiyada Sare, 13-Gool Ayaanan Dhalliyay,” Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur).

Waadiga Ciyaaraha, C/fataax M. Caydiid.

Wareysi – Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur): Xidigii Kooxdii Xulka Gobolka Waqooyi-Galbeed U Dhaliyay Goolkii Ay 1984-kii Ku Qaadeen Koobkii Tartankii Gobollada Soomaaliyadii Hore

Hargeysa (Haatuf) – Sida ay wada ogsoon shacbiga Somaliland waxay ka mid yihiin dadweynaha adduunka ee sida aadka ah u xiiseeya ciyaaraha ama u jecel, waxaana lagu tilmaami karaa in ay yihiin qaar yar iyo weynba jecel ciyaaraha, gaar ahaan ciyaarta kubadda cagta oo si weyn looga jecel yahay dalkan.

Iyadoo sidaas tahay haddana, marka loo eego wakhtigan xaadirka ah iyo wakhtiyadii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ahayd Wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxa la odhan karaa si aad ah ayay u kala fog tahay, waayo, wakhtiyadii hore waxa jiray kooxo ama ciyaartoy ay aad tayadoodu u sareysay oo maskax iyo farsamo u lahaa ciyaaraha kubadda cagta, kuwaas oo guulo waaweyn u soo hooyay kooxihii ama gobolladii ay ka tirsanaayeen. Balse wakhtigan xaadirka ah oo badiba adduunka kale ay horumar ka gaadheen guud ahaan ciyaaraha, gaar ahaana kuwa kubadda cagta, dalkeenan Somaliland uu jiro hoos u dhac iyo dayac badan oo xaga isboortiska ahi, iyadoo sababo badan oo kala duwan lagu tilmaamo in ay sees ama hormood u yihiin hoos u-dhaca iyo dayaca faraha badan ee ka muuqda isboortiska Somaliland.

Haddaba, Wargeyska Haatuf, isagoo taa ka shidaal qaadanaya, wuxuu isku dayayaa inuu wax ka weydiiyo ciyaartoydii hore ee magaca ku lahayd ama tirsanayd kooxihii ka dhisnaa dhammaan gobollada Somaliland taariikh ciyaareedkoodii, wakhtiyadii ay ciyaari jireen waxyaabihii ay la kulmeen, sidii xal loogu heli lahaa mushkiladdan haysata Isboortista Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa isboortiga Somaliland guud ahaan, iyo gaar ahaan mooraalka dhallinyarada dalka.

Sidaa darteed, waxaanu isku dayaynaa in aanu wareysiyo ka qaadno ciyaartoydii hore ee wadanka, kuwa maanta ciyaara ciyaaraha kala duwan, masuuliyiinta Isboortiska wadanka iyo cidii kale ee ay khusaysaba, taas oo aanu wareysiyo aanu ka qaadnay ciyaartoydii hore qaarkood idiin siin daynay, ayaanu maanta idiin sii dayn doonaa qayb ka mid ah wareysi aanu la yeelanay Xidigii ugu magaca weynaa Gobolka W/galbeed sannadihii sideetameeyadii, kaas oo qofkasta oo wakhtigaa daawan jiray oo xiisayn jiray ciyaaruhu uu garan karo da’ kasta ha ahaadee, kaas oo ahaa Maxamed Axmed Ismaaciil oo ku caan baxay ama loo yaqaano badiba dadka reer Somaliland (Shakuur).

Shakuur, waxa uu ahaa ciyaartoydii caanka ahayd ee gobolka waqooyi-galbeed sannadihii sideetameeyadii, waxaanu ahaa ciyaartoygii sannadkii 1984-kii dhaliyay goolkii ay koobka ku qaaday kooxdii Gobolka W/galbeed, isla markaana waxa uu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu goolasha badnaa wakhtigaa, sida aadka ahna looga tixgelin jiray.

Maxamed Axmed Ismaaciil (Shakuur) waxa uu ku dhashay dhashay magaalada Diridhaba sannadkii 1966-kii, waxaanu carruurnimadiisii ku barbaaray magaalada Hargeysa, isla markaana Waxbarashadiisii waxa uu ka bilaabay dugsiga hoose ee Biyo-dhacay, isla markaana dugsigiisii dhexe waxa uu ka dhigtay dugsiga Biyo-dhacayga Sare. Shakuur waxa dugsigiisii sare ka qaatay dugsiga Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa.

Yaraantiisii Shakuur wuxuu aad u xiisayn jiray ciyaaraha, gaar ahaan kubadda cagta, iyadoo ay taas u dheerayd ciyaaraha fudud oo qudhooda aad u xiisayn jiray, balse kubadda cagta ayay ahayd ta uu aadka ugu wanaagsanaa carruurnimadiisii waxaanu ahaa nin xarfadda aad ugu fiican. Sannadihii waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe may jirin kooxo dhisan oo ay dugsiyadaasi lahaayeen, inkasta oo mar marka qaarkood la qaban jiray, haddana ma jirin tartan sidaa u weyn oo ay lahaayeen dugsiyada hoose iyo dhexe. Balse waxa jirtay kooxo xaafadda magaalada Hargeysa ka dhisnaa oo uu ka ciyaari jiray. Laakiin markii uu Dugsiga Sare dugsiga ee Gacan-libaax galay, ayuu ku biiray kooxdii Dugsigaasi lahaa, wakhtiyadaasna waxa magaaalada Hargeysa lagu qaban jiray sannad kasta tartan dugsiyada sare ah kaas oo ay kooxda Dugsigiisu ka qayb-geli jirtay, kana mid ahayd kooxaha ugu cad-cad, isla markaana tartankaasi waxa uu ahaa tartamada ugu xiisaha badnaa ama ugu shacbiyada badnaa wadanka. Shakuur, waxa uu ahaa ciyaartoy farsamadiisa ama tayadiisu aad u sareyso, nasiib-darrase sannadkiisii ugu horeeyay ee uu dugsiga sare galay, lama qaban tartankii dugsiyada sare, waxaanay taasi ka dambaysay kadib markii sannadkaas oo ahaa 1982-kii uu magaalada Hargeysa iyo badiba magaalooyinka kale ee gobollada Waqooyi ka dhacay Dhagaxtuurkii ardayda reer Somaliland, kaas oo ay kaga soo horjeedeen Maamulkii Macangaga ahaa ee Siyaad Barre.

Balse, Sannadkii 1983-kii ayaa la qabtay Tartankii Dugsiyada Sare, kaas oo ay kooxdii Dugsiga Gacan-libaax ee uu ka tirsanaa Shakuur ka qayb-galeen.

Shakuur, isagoo ka waramaya bilowgii soo caan bixiisa waxa uu yidhi, “Sannadkii ugu horeeyay ee aan dugsiga sare galo, ma dhicin tartan ciyaareed, waxaana sannadkaa dhacay dhagaxtuur, sidaas awgeedna lama qaban tartankii dugsiyada sare, balse sannadkii 1983-kii ayaa la qabtay, waxaana la igu soo daray xulkii kooxda Dugsiga Sare ee Gacan-libaax, kooxdaas oo ay ku jireen rag badan oo isla wakhtigaa ku jiray Xulkii gobolka W/galbeed oo dhigan jiray isla dugsigaas. Aniguna wakhtigaa waxaan ku ciyaari jiray garoomada caadiga ah sida ka xawaadle oo kale oo aan ka mid ahaa koox ka mid ahayd kooxihii xaafadaha ka dhisnaa. Kooxdayadu waxay ahayd koox aad u adag, waxaana ku jiray rag aad u wanaagsanaa oo xulka gobolka ku jiray, ahaana ragga anigana igu soo daray oo ay ka mid ahaayeen; Maxamuud Maxamed Xoore (Camuudo), Jamaame, Sitiin Nuux iyo rag kale oo badan. Kadibna markii la igu soo daray Dugsiga Sare ee Gacan-libaax ayaa waxa la siiyay lambarka 10aad oo aan u qaatay kooxda, isla markaana waxa jirtay in aanan u baran in aan ku ciyaaro kabaha dhibcaha leh oo aan is odhan jiray, marka kale ayaad ka fiican tahay, kadibna la I siiyay kabihii dhibcaha lahaa, waxaanan is lahaa ku ciyaari kari maysid, iyadoo ay dhacday dhawr jeer oo aan is idhi ku ciyaar, kadibna aan markiiba iska saaray oo aan ku ciyaari kari waayay, laakiin markan waan la qabsaday waanan ku ciyaaray. Sidaas ayaanu tartankii ku bilaabmay oo aan kooxdii ugu uga mid noqday oo aan ugu ciyaaray. Markaa ragga aanu isku kooxda ahayn ee aan ciyaarta aadka isula qabsanay waxa ka mid ahaa Camuudo iyo nin isaga la yidhaahdo Cabdi Daahir. Sidaas ayaanu ku ciyaarnay, koobkii sannadkaasna uu dugsigayagu ku guulaystay, ciyaarihiina ku dhammaadeen.

Shakuur, waxa uu sheegay in sannadkaa u goolal badan dhaliyay, balse aanu tiro ahaan intay ahaayeen garan karin, maadaama wakhti badani ka soo wareegay, waxaanu yidhi: “Goolashii aan dhaliyay sannadkaa, runtii anigoon si wanaagsan u garanayn tiradii ay ahaayeen, haddana 5-6 ayaan u malaynayaa, waanay dhici kartaa in ay ka badnaayeen.”

Kadib markii ay sannadkaa 1983-kii ku guulaysteen kooxdii Dugsiga Sare ee Gacan-libaax ee uu Shakuur u ciyaari jiray, waxa loo qaatay xulkii Gobolka W/galbeed oo ka mid noqday, isagoo wakhtigaas da’diisu aad u yarayd, haddana ciyaar-wanaagsiina ayaa keenay inuu ka mid noqdo oo uu ku biiro Xulkii Gobolka.

Shakuur, kadib markii uu xulka Gobolka ku biiray kama tegin kooxdii Dugsigiisii sare ee Gacan-libaax, waxaanu sannadkii labaad ee ee fasalka 3aad ahaa u soo saftay kooxdaas tartankii dugsiyada sare ee sannadkii 1984-kii, isagoo arrintaa ka waramayana waxa uu yidhi: “Sannadkii dambe, waxa dhacday in ciyaartoydii aanu sannadkii hore wada ciyaaraynay ay iskuulkii ka baxeen oo ay dhamaysteen. Waayo, Iskuulku wuxuu ahaa iskuul cusub oo loo soo wareejiyay arday fasallada 2aad iyo 3aad ah oo laga keenay dugsigii Sare ee Xalane oo markaa loo kala qaybiyay Dugsiga Gacan-libaax iyo Maxamuud Axmed Cali. Markaa waxa dhacday in la dhiso koox cusub, taas oo la dhisay, tartankiina aanu ka qayb-galnay. Runtii sannadahaa ciyaaraha Tartanka Dugsiyada Sare waxay ahaayeen qaar aad u xiiso badan oo xataa ka xamaasad badnaa tartanka Gobollada.

Marka laga tago kooxdayada waxa jirtay sannadkaa koox kale oo aad u khatar ahayd oo u ciyaaraysay Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali, kuwaas oo ahaa koox dhisan oo ciyaartoyda intooda badani isku xaafad deggenaayeen oo aad ciyaarta isula bartay, kuna jireen ciyaartoy khatar ah oo ay ka mid ahaayeen Weli-Xaawo, Libaax, Iid, Cabdi Cumar iyo niman badan oo sidaas ah, waxa kaloo ku jiray Saban oo wakhtigaasna ka mid ahaa xulka Gobolka, kooxda iskuulkiisana u ciyaari jiray. Kooxdaydii Sannadkaas kaalinta labaad ayaanu galnay, waxaana koobkii naga qaaday kooxda Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali u ciyaaraysay. Sannadkii ku xigay oo ahaa 1985-kii, oo ahaa sannadkii iigu dambeeyay ee aan u safto Dugsigaas ayaan ka qayb-qaatay kooxdii Dugsiga Gacan-libaax, waxaanay sannadkaa kooxdu ahayd koox aad u wanaagsan oo ay ku jireen rag wada khatar ahaa oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Gahayr, Liito, nin Cabdi Burco la odhan jiray, raggaas oo badankoodu ka mid ahaa xulkii Gobolka, iyadoo aanu sannadkaa muujinay wacdaro, koobkiina sidaas ku hananay oo aanu ku guulaysanay.”

Shakuur, waxa uu sheegay koobka ay ku guulaysteen ka sokow inuu isagu ahaa ciyaartoygii ama xidigii ugu goolasha badannaa oo uu dhaliyay 13-gool, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: “Aniga ayaa ugu goolal badnaa, waxaanan sannadkaa 1985-kii tartankii Dugsiyada dhaliyay 13-gool, waxa igu xigay Maxamed Gahayr oo isna kooxdii Gacan-libaax ka tirsanaa oo aanu isku koox ahayn oo isna dhaliyay 10-gool.”

La soco cadadka dambe. 

Top