Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 427 September 29, 2003

Wasiirada Arrimaha Dibadda Iyo Ganacsiga Somaliland Oo U Socdaalay Maraykanka, Ingiriiska Iyo K. Kuuriya

Wasiiro Maanta U Kicitimaya Dalka Djibouti

Kulan Dhexmaray Siilaanyo Iyo Wasiirka Reer Miyiga Britain

“Waa Inay Labada Gole Kulan Deg-Deg Ah Yeeshaan”, “Waxani waa shirqool, ragga leh Somaliland…” Odayaasha Guurtida oo dood kulul ka yeeshay xaaladda siyaasadda

Is-Maan-Dhaaf Ba’an Oo Hadheeyay Geedi-Socodka Tartanka Ciyaaraha Gobollada, “Kooxda Awdal waxay ku soo baxday kaalinta 1aad, natiijadii ciyaartii Saaxil iyo Sanaag-na Waa waxba kama jiraan,” Guddiga Farsamada Tartanka Ciyaaraha.

“Ma Jirto Waxaan Ka Baqayaa, Waxaagu Waa Aflagaado, Isaaqa Suuriya  Jooga U Sheeg Warbixin Ha Siiyeen Dawladda...”

Djibouti Oo Dibadda Uga Soo Booday Xaydaabka Shirka Kenya

Tareen lagu qarxiyey jidka isku xidha Itoobiya iyo Jabuuti

Kofi Annan Oo Ka Hadlay Xaaladda Bariga Dhexe

Israa’iil Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Dhaqdhaqaaqa Falastiniyiinta

Maraykanka Oo Ciidamo Laxaadle Ku Xoojinaya Ciraaq

WAADIGA CIYAARAHA: Xulka Kubadda Koleyga Burco Oo Ciyaar Adag Ugu Soo Gudbay Wareega 2aad

Sanaag Iyo Saaxil Oo Barbardhac 2-2 Ku Kala Sed Qaaday


Wasiirada Arrimaha Dibadda Iyo Ganacsiga Somaliland Oo U Socdaalay Maraykanka, Ingiriiska Iyo K. Kuuriya

Hargeysa (Haatuf): Wasiiradda Arrimaha dibadda Edna Aadan iyo Ganacsiga Maxamed Xaashi ayaa la filayaa inay maanta u ambabaxaan socdaal ay ku marayaan dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Koonfurta Kuuriya iyo dalka Shiinaha, sidaana waxa shaaca ka qaaday wasiirka ganacsiga Maxamed Xaashi Cilmi oo shalay saxaafadda ugu waramayey xafiiskiisa.

Wasiirku waxa uu safarkan ku macneeyey mid isugu jira sidii Somaliland taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed-ba ay uga heli lahayd caalamka, wuxuuna intaa ku daray inuu socdaalkani qayb ka yahay shirar ay kaga qayb gelayaan magaalooyinka San farasisco, Los Angeles iyo Atlanta ee dalka Maraykanka, halkaas sida uu sheegay ay kaga qayb galayaan shirar ay soo qaban qaabiyeen dadka madawga maraykanka (Black Americans), iyada oo ay shirarkaa kula kulmi doonaan maayarada magaalooyinkaa, ganacsato iyo shirkado ka qayb gelaya shirarkaa, kuwaas oo ay kala hadli doonaan sidii ay Somaliland maal gelin dhaqaale loogu samayn lahaa.

Eng. Xaashi waxa uu sheegay inay shirarkaa ka sheegi doonaan wixii ay Somaliland qabsatay iyo waxa ka dhiman, waxa kale oo uu sheegay inay caalamka u bandhigi doonaan indho la’aanta ka haysata wixii ay Somaliland qabsatay, laakiin wasiirku waxa uu sheegay inuu isagu arrimaha gaarka ah ee ganacsiga xooga saari doono, taas oo u dheer arrimaha siyaasada ee socodkooda, wuxuuna isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi “Waxaan qabaa inaynu dalkeena wershadayn ku samayn karno, oo horumarin ku samayn karno si dhib yar, haddii aynu iskaashano”.

Wasiirku wuxuu tusaale u soo qaatay ganacsatadii dhawaan ku midawday ururka oo uu sheegay inay astaan u tahay horumarka waxaanu yidhi “Dadkeenu dabeecad umay lahayn wax wada lahaanshaha, markaa waxa qorshaha noogu jirta inaanu dadka reer Somaliland ee debadda jooga oo aqoontiina leh waxna haysta aanu ku dhiiri gelino inay ka qayb qaataan horumarka iyo maal-gelinta dalka, isla markaana laga faa’iidaysto kheyraadkeena, iyada oo la samaynayo iskaashi iyo wax wada lahaansho, taas oo horseedaysa horumar la taaban karo”.

Maxamed Xaashi waxa uu sheegay inay shirarkan ka soo shaqeeyeen dad reer Somaliland ah oo ku sugan carriga Maraykanka, kuwaas oo uu sheegay inay qorsheeyeen ciddii ay la kulmi lahaayeen. Laakiin waxa uu intaa raaciyey inaanu socdaalkoodu ku ekayn dalka Maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya, balse haddii ay suurto gasho ay u sii dhaafi doonaan dhinaca dalka Shiinaha.

Wasiirka mar wax laga weydiiyey dhaq-dhaqaaqa siyaasada iyo hadalada beryahan saaxada ku jirey ee ku waajahan shirka dib u heshiisiinta kooxaha Soomaaliya iyo ereyada salaadiinta ama dad u dhashay Somaliland oo ka qayb gelaya shirkaa waxa uu isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi “Shirarka khilaafkoodu wuxuu bilaabmaa intaan shirkuba bilaabmin, nimanka shirarka Koonfurta baabi’iyaana waa kuwa sheegta Professor-ada ee ka yimaada Maraykanka oo sheegta aqoonyahano, kuwaas oo aan dhaqankooda waxba ka garanayn, waana kuwa yidhaahda sidaasaa looga kaambayn gareeyaa Maraykan”.

Wasiirku isaga oo ka hadlaya salaadiinta reer Somaliland ee la sheegay inay dhex-dhexaadinayaan ama ka qayb gelayaan shirkaa, wuxuu sheegay inaan nin suldaan ahi aanu cidna metelin, haddii uu ka qayb galo wax aanay ummaddu raali ka ahayn, sababta oo ah suldaanku wuxuu suldaan ku yahay dadkiisa, laakiin hadduu noqdo dhuuni raac cidna ma metelo.

Mar la weydiiyey inay sheekadan dhex-dhexaadintu tahay mid ay ku wada socdaan salaadiinta iyo xukuumadda Somaliland oo ay dhawaan ku shireen madaxtooyada waxa uu isaga oo arrintaa ka jawaabaya yidhi “Anigu shirkaa kama qayb gelin, laakiin waxaan arkay madaxweynaha oo iiga waramay wixii lagaga hadlay, waxaana ku weheliyey shir gudoonka golaha Guurtida, waxa kale oo aan la kulmay X. C/Kariim (C/Waraabe), oo ii sheegay inay mawqif iska wada taageen arrintaa, balse warqadda la sheegayo anigu ma arag, laakiin waxa la ii sheegay inay ka timid salaadiinta Hawiyaha, oo loo soo diray salaadiinteena, taas oo ay ku dalbadeen in lagu heshiisiiyo, balse iyaga iyo inaga ayaan heshiis ahayn’e sidaynu iyaga u heshiisiinaa, waayo ma aqoonsana qaranimadeena iyo jiritaankeena, sidaa awgeed ma heshiisiin karno dad aynaan heshiis ahayn”.

Top


Wasiiro Maanta U Kicitimaya Dalka Djibouti

Hargeysa (Haatuf): Wefti wasiiro ayaa la filayaa inay mlaainta berito ah u ambabaxaan dalka Djibouti sida ay sheegeen warar u dhuun daloola arrinta socdaalka wasiirada oo kala ah wasiirka Gaashaandhiga Ismaaciil Cumar Aadan, wasiirka dib u dejinta, C/laahi Xuseen Iimaan, laakiin socdaalka xubnahan wasiiradda ah iyo hawlaha ay u tegayaan lama xaqiijin, isla markaana ma jiro wax wara oo ay xukuumadda ka soo saartay ujeedada safarkooda, iyada uu khamiistii todobaadkii hore socdaal kedis ah ku tegay dalka Djibouti wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan, kaas oo weli ku maqan dhinaca dalka Djibouti, inkasta oo aanay xukuumaddu sheegin in socdaalkan dambe ee wasiiradu haddana waxa la rumaysan yahay inay socdaalka wasiirka arrimaha guduhu gogol xaadh u yahaya wefti dhinaca Somalioland oo halkaa tegi doona, iyada oo ay maalmahan dambe soo baxayeen warar sheegaya inuu Madaxweyne Rayaale iyo wefti uu hogaaminayaa socdaal ugu baxayaan dhinaca dalka Djibouti.

Laakiin waxa jira xogo kale oo ku dhaw dhaw dhinaca xukuumadda oo sheegaya inuu madaxweyne Rayaale ka maagay safarka dhinaca Djibouti, ka dib markii uu maqlay dareenka dadka ee hadal haynta safarka, taasuna ay keentay in wixii hawlo ah ee uu u tegi lahaa u xil saaro xubnahaa wasiiradda ah, iyadoo jiraan warar ku saabsan socdaalada weftiga la filayo inay u baxaan dalka Djibouti, oo sheegaya inay xukuumadda Djibouti kala hadli doonaan hawlgalka uu Marayaknaku hormoodka ka yahay ee la dagaalanka argagixisada, maadaama ay ciidamada Marayakanka ee halkaa ku sugani ay u joogaan ilaalinta xeebaha badda cas iyo gacanka Cadmeed ee dhaq-dhaqaaqa waxa ay ugu yeedheen argagixisada, taas oo ay dawladda Djibouti doonayso inay Maraykanka sumcad kaga hesho wixii looga baahdo dhinaca Somaliland ee hawlahaa la xidhiidha. Balse ilaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo la xidhiidha weftigaa iyo inuu madaxweyne Rayaale ku wehelin doono.

Top


Kulan Dhexmaray Siilaanyo Iyo Wasiirka Reer Miyiga Britain

London (Haatuf) waxa kulan ku dhexmaray aqalka baarlamaanka (House of Commons) ee Britain maalintii khamiistii gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo)iyo Wasiirka Arrimaha Reer Miyiga (Minister for Rural Affairs) ee dawladda Biritain Mr Alun Michael. Mr Michael oo laga soo doorto magaalada Cardiff ee gobolka Wales ee carriga Britain, waa saaxiib khaasa oo Somaliland leedahay isagoo ay u codeeyaan markastoo doorasho jirto jaaliyadda Somaliland ee reer Cardiff. Waana masuuliyiinta ugu sarreeysa dawladda Britain ee danaysa Somaliland horumarkeeda iyo in wax u hagaagaan. Guddoomiyaha KULMIYE waxa la socdey xubno sarsare oo KULMIYE ka tirsan kana mid ahaayeen:

Cabdi Haybe - xubin guddida fulinta KULMIYE Cisman Cabdillahi Cigaal (Hindi) - Xubin Guddida fulinta KULMIYE Maxamed Yonis Cawaale – Guddoomiyaha KULMIYE UK Muse Cali Xirsi (Buurdhaab) - Xoghayaha KULMIYE UK. Intaan kulanka loo fadhiisan waxa Alun Michael oo uuweheliyey Mr Jonathan Cox oo ah parliamentary Researcher uu soo dhexmariyey oo soo tusay Silaanyo iyo raggii la socdey labada aqal ee barlamaanka iyo odayaasha (commons & lords) ugana sheekeeyey taariikhda daarta loo yaqaan Westminster ee looga talinayey dalka ilaa 3dii boqol ee sano ee la soo maray. Ka dibna waxa la gudagalay ujeeddadii kulanka oo qaatay 45 daqiiqadood, waxaanay u dhacday sidan:

Axmed Silaanyo ayaa uga warramay waayihii dalka Somaliland soo maray, gaar ahaana marxaladihii doorashooyinkii dawladaha hoose iyo tii Madaxweynaha iyo M/xigeenka, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay taariikhi ahaayeen marka laga eego muddada dheer ee u dalku ku jirey maamullo ku yimi qaabab kale (xukun askari, dagaalkii xoraynta iyo shirbeeleed).

Axmed waxa uu lama illaawaan ku tilmaamay sidii dadka reer Somaliland ugu soo baxeen codaynta iyo jawigii nabadeed ee ay ku dhammaadeen labada doorashoba, waxaanu sheegay in dalku imminka isu diyaarinayo wareeggii saddexaad ee doorashada dimuqraadiga ah ee hore soo gebagebaynaysey tassoo ah doorashada baarlammaanka oo loo qabandoono dhakhso sidii ballanku ahaa. Axmed waxa uu intaa raaciyey in Somaliland gacan uga baahantahay sidii dimuqraadiyada axsaabta badan ku dhisan ee hadda dalka ku cusubi u hanaqaadi lahaydloona adeegsanlahaa qaabka casriga ee qeexaya dawrka masuuliyadeed iyo firfircoonida axsaabta mucaaradka ahi ku leedahay nolol-siyaasadeedka dalka si la isugu dheelitiro gudashada masuuliyaadka qaran iyo ilaalinta xeerarka dalku leeyahay. Waxa kaloo Axmed tilmaamay in Somaliland u baahantahay in la kordhiyo caawimada dibudhiska dalka iyo horumarinta dhinacyadiisa kala duwan sida waxbarashada, caafimaadka, isgaadhsiinta, wax soo saarka iyo waxii la mida. Waxa Axmed Silaanyo arrimaha Somaliland u baahantahay maanta ku sheegay inay ugu weyntahay sidii mawqifka garawshiiyaha uun maanta ku egi isugu rogilahaa aqoonsi siyaasadeed (political recognition) oo ay ka hesho Britain iyo waddamada kale ee dunida. Axmed Silaanyo wuxuu ugu dambeyntii uga mahadnaqay dawladda Britain sidii aan gabbashada lahayn ee ay dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba uga taageertay Somaliland geeddi-socodkii doorashooyinka, iyo guud ahaanba siyaasadda ku dhisan garawshiiyaha iyo tixgelinta duruufaha u gaarka ah Somaliland ee dawladdiisu ku dhaqanto.

kadib Alun Michael ayaa hadalkii qaatay waxaanu sheegay in Somaliland guud ahaanba ku kasbatay sumcad, magac iyo qaddarin dheeraad ah qabanqaabadii iyo qabashadii labadii doorasho ee u dambeeyey, waxaanu si gaara u sheegay inuu ku ammaanayo Axmed shaqsiyan aqbaladdii natiijada doorashada madaxweynaha taasoo marar aan ka dhicin waddamo badan oo kala jaada. Alun Michael waxa uu sheegay in qabanqaabadii iyo qabashadii doorashada iyo qaadashadii natiijadu intuba muujinayaan gaamur siyaasadeed (political maturity) iyo masuuliyad qoto dheer.

Waxa uu Alun Michael intaa ku daray in dawladdiisu halkii ka wadi doonto siyaasadeedii ku wajahnayd Somaliland. Alun Michael waxa hadlladiisii ka mid ahaa “Soomaaliland waxay iyadoo aan aqoonsi la siin muujisay masuuliyad sare iyo qaangaadhnimo ay ku maaraysay danaheeda kuna dhisatay hay’adaheeda dastuuriga ah iyadoo aan haba yaraatee gacan cid kale ka helin. Dawladdayda waxa u siyaasad ah inay caawiso Somaliland iyadoo adeegsanaysa diblomaasiyiinteeda iyo hay’adaha aan dawliga ahayn ee jooga geeska.

Alun Michael waxa uu hadalkii ku soo gebagebeeyey in Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Silaanyo uu markale la kulmo intaanu dalkii dibugu noqon si ay markale uga sii ballamaan arrimaha maanta laga wadahadlay Kulanku wuxuu ka mid ahaa kulammo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo Axmed Silaanyo waday tan iyo intii uu debedda dalka uga baxay, kuwaas oo ay qabanqaabadeeda lahaayeen xafiiska Somaliland ee UK iyo faraca xisbiga KULMIYE ee UK.

Kulankan waxa ka horreeyay kulammo kale oo Axmed la yeeshay madax ka tirsan wassaaradda arrimaha debedda iyo xafiiska horumarinta caalamiga ah ee UK kuwaas oo uu dhammaantood kala hadlay danaha Somaliland iyo xidhiidhka sokeeye ee inaga dhexeeya dawladda Britain. Dhawrka usbuuc ee soo socda waxa la filayaa in Axmed Silaanyo booqashooyin ku tago magaalooyinka Sheffield, Birmingham, Cardiff halkaasoo uu kula kulmi doono taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo guud ahaanba jaaliyadda reer Somaliland ee magaalooyinkaa deggan. Waxa kaloo Axmed Silaanyo uu safar ugu bixidoonaa waddammada Denmark, USA iyo Canada safarkaas oo uu uga golleeyahay kor uqaadidda magaca iyo muuqaalka Somaliland isagoo uga faa’iidaynaya tixgelinta aynu ka hellay doorashooyinkii ugu horreeyay ee dalka ka dhaca in ka badan 35 sannadood.

Xoghayaha KULMIYE UK - Muse Cali Xirsi

Top


“Waa Inay Labada Gole Kulan Deg-Deg Ah Yeeshaan”, “Waxani waa shirqool, ragga leh Somaliland…” Odayaasha Guurtida oo dood kulul ka yeeshay xaaladda siyaasadda

Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha golaha Guurtida ee Somaliland ayaa fadhigii shalay ee golaha isku raacay in la soo hormariyo dooda qodobka siyaasadda dalka iyo arrimaha socda ee ajandaha golaha horyaal ku jira, kaas oo ay doodiisa mudanayaashu shalay guda galeen.

Mudanayaasha dooda shalay ka qayb galay waxa ka mid ahaa Maxamed Cismaan Libaaxo, oo isagu marka hore soo jeediyey in qodobkaa la soo hormariyo, wuxuuna isaga oo ka hadlaya arrimaha siyaasadda oo uu sheegay inay jahawareer ku keeneen bulshada yidhi “Sheekada (dhex-dhexaadinta kooxaha Soomaaliya), waxa waday salaadiin iyo xisbiyada qaarkood, haddii ay saddexda gole ka hadli waayaana shaki ayey yeelanaysaa. Markaa waxa loo baahan yahay inaynu shakiga dadka ka saarno, oo wax u sheegno”.

Mudane Libaaxo waxa uu sheegay inay todobaadkii ina dhaafay kulan ku yeesheen madaxtooyada madaxweynaha, salaadiin iyo shirgudoonka guurtidu, laakiin aan la garanayn waxa loo shiray iyo hawlaha la waday, wuxuuna isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi “ragga maanta leh Somaliland ayaan Ictiraafnay waa kuwii shirka ka lahaa Waqooyi ilaa ay yimaadaan waxba socon maayaan, kuwa moodaya in Hawiye heshiiskiisu inaga inoo yaal-na ha ogaadeen inaanay taasi mid inoo taal ahayn”.

Mudane C/Salaan oo ka mid ahaa mudanayaasha shalay dooda ka qayb qaatay ayaa ku dooday inaanay ahayn mid Somaliland u taal in la yidhaahdo qayb Soomaaliya ka mid ah ayaanu heshiisiinaynaa, dhaq-dhaqaaqyada socda ee Imbagathi, Djibouti iyo meelo kale, waana shir-qool la doonayo in loo maleego Somaliland.

Mudane C/Salaan waxa uu sheegay inaanay ragga maanta leh Hawiye ayaan heshiisiinaynaa inay ogaadaan inay ahaayeen raggaasu kuwii lahaa Somaliland waqooyi ayaa maqan oo shirka ka maqan.

Mudanayaasha doodaa ka qayb qaatay waxa isna ka mid ahaa Maxamuud Xareed Rooble oo ku si kulul ugu dooday inay arrimahani yihiin kuwo shir-qool ah oo la damacsanyahay in lagu hambago Somaliland, isaga oo yidhi “Waxa jira shir-qool ay wadaan rag leh Somaliland ayaanu aqoonsanahay, waana kuwii lahaa gobolka waqooyi galbeed shirka ha yimaado, sidaa awgeed waxaan u arkaa khal khal gelin cidda waddana aynu shacabka u tilmaano, shirka salaadiinta iyo madaxweynuhu yeesheena ma ogin waxay kaga wada hadlayeen”.

Sheekh Muuse Goodaad oo isaguna ka mid ahaa mudanayaasha dooda ka qayb qaatay ayaa sheegay inuu soo jeedinayo inay labada gole kulmaan oo fadhi wada yeesheen, kana wada hadlaan arrimaha socda, si mawqif cad la isaga ogaado arrimahan ina jaha-wareeriyey.

Sidoo kale Mudane Maxamed Jaamac Gaax-Nuug ayaa soo jeediyey inay dadka kala hadlaan fagaaraha kheyriyadda, wuxuuna carabka ku dhuftay rag uu sheegay inay siyaasadaha ka wadaan Somaliland, kuwaas oo uu dawladda ku canaantay inay talaabo ka qaado wuxuuna isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi “Salaadiintu Container-bay saaran yihiin, qaar wax ogi way jiraan, qaar aan waxba ogeynina way jiraan, heshiisiinta Hawiyana xil inagama saarna, laakiin inagu ma nihin carruurtii dhoobada samayn jirtey oo marba mid ina yidhaahdo Somaliland-baan Ictiraafay qof aan waxba ahayni, waxaynu nahay xukuumad iyo qaran jira, markaa waa in dadka loo sheegaa wax, ragga waxan wadda ee lacagta lagu soo shubayo ee guryaha u samaystayna xukuumaddu waa inay wax ka qabataa.”

Top


Is-Maan-Dhaaf Ba’an Oo Hadheeyay Geedi-Socodka Tartanka Ciyaaraha Gobollada, “Kooxda Awdal waxay ku soo baxday kaalinta 1aad, natiijadii ciyaartii Saaxil iyo Sanaag-na Waa waxba kama jiraan” Guddiga Farsamada Tartanka Ciyaaraha oo soo saaray go’aan ku tirtirayaan ciyaartii dhexmartay kooxaha Saaxil iyo Sanaag

Hargeysa (Haatuf) – Guddiga Farsamada ee Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland ayaa tirtiray natiijadii ka soo baxday ciyaartii shalay dhexmartay gobollad Saaxil iyo Sanaag oo ku dhammaatay 2-2. Sidaana waxay ku sheegeen go’aan ay soo saareen goor dambe oo xalay ah, laakiin arrintaasi waxay dhallisay qaylo cirka isku shareertay, kadib markii ay labada kooxood ee xulalka Sanaag iyo Saaxil, si ba’an gaashaanka ugu dhufteen, isla markaana ay go’aankaa ku tilmaameen mid baal-marsan qaynuunka ciyaaraha.

Guddiganu waxay ku eedeeyeen labadan kooxood in ay si badheedha heshiis ugu gaadheen in ay reebaan ciyaartoyda gobolka Awdal, iyagoo taas ku macneeyay markii ay ciyaartii barbaro ku dhammaysteen, sidaa darteed waxay guddigu go’aamiyeen in ay natiijada ciyaartaa tirtireen, labada kooxoodna ay u qoryo-tuurayaan, waxa kale oo ay go’aankooda ku sheegeen in ay kooxda gobolka Awdal kaalinta koowaad ugu soo baxayso wareega labaad ee qaybtooda (Group B).

Ciyaartii shalay dhexmartay labada kooxood ee gobollada Saaxil iyo Sanaag oo ciyaartii hore ee ay wada ciyaareen gacanta isa saaray, waxay ku dhammaatay si nabadgelyo ah, isla markaana intii ay ciyaartu socotay laguma arag garoonka wax carqalad iyo rabshad ah oo ciyaarta soo waajahday, waxayna ciyaartu ku dhammaatay waqtigii loogu talo-galay, iyadoo maraysa 2-2, ayuu garsooruhu markii waqtigii dhammaaday siidhiga ku dhuftay, kadibna waa la kala rawaxay, laakiin guddigani goor dambe ayay go’aankooda soo saareen, wuxuuna u qornaa sidan:

“Shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Guddiga Tartanka Cayaaraha Gobollada, Xidhiidhka Kubadda Cagta iyo Waaxda Isboortiga ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Isboortiga, waxay isla garteen markii ay arkeen arrimahan hoos ku qoran:

Markii ay caddaatay in ay si badheedha u heshiiyeen ciyaartoyga labada gobol ee Sanaag iyo Saaxil, si ay u reebaan cayaartoyda gobolka Awdal, kadib markii ay ku dhammaysteen barbaro.

Kadib markii ciyaartii hore ee ay wada yeesheen ay ku dagaalameen labada ciyaartoy dhammaantood.

Kadib markii ay qolalka hoose ee Hargeysa Stadium mid ka mid ah ay labada kooxood iyo Isu-duwayaashoodu ku yeesheen shir albaabku ku xidhan yahay ka hor bilowgii ciyaarta.

Arrimahan oo dhammaantoodba aan waafaqsanayn sharciyadda Isboortiga iyo siyaasadda ay dawladda Somaliland ka leedahay arrimaha isboortiga iyo dhallinyarada.

Sidaa daraadeed, waxaan go’aansanay:

In Ciyaartii dhexmartay labada gobol ee Saaxil iyo Sanaag ay tahay waxba kama jiraan (disqualified).

In labada kooxood ee Kubadda Cagta ee Saaxil iyo Sanaag lagu kala saari doono qori-tuur maalinta berri (maanta) 11:00.
In kooxda kubadda cagta ee Gobolka Awdal ay ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group B.”

Qoraalkan waxa ku saxeexnaa Gudiga Farsamada oo ka kooban;
Axmed Maxamed Shire “Sacad” (Agaasimaha Waaxda Isboortiga)
C/risaaq Axmed Aadan (Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta)
Khadar Xuseen Jaamac (Gudoomiyaha Garsoorka Kubadda Cagta)
Deeq C/laahi Saban
Mustafe Ciise Xuseen
Maxamed C/laahi Oomaar (Garsoore)
Khaalid Cabdi Cilmi (Garsoore)
C/laahi Khayre Cawaale (Guddiga Dacwadaha)
Mustafe Cabdi Magan (Guddiga Dacwadaha)
Maxamed Nuux Jibriil (Madaxa Isboortiga Somaliland)

Hase yeeshee, Gudoomiyaha Guddiga Farsamada ee Tartankan, Axmed Maxamed Shire “Sacad”, oo xalay caweysinkii hore saxaafadda la hadlay, una akhriyay go’aanka ay soo saareen ayay weriyayaashu su’aalo ka weydiiyeen go’aankoodaa lama filaanka ah ee goorta dambe la soo tuuray, su’aalahaasina waxay u dhaceen sidan:

S: Sida ku cad qoraalkiina oo aad ku sheegteen inay labada ciyaartoy ee Saaxil iyo Sanaag ku heshiiyeen si ay u reebaan xulka Gobolka Awdal, maxaad taas ku caddaynaysaan?

J: Waxaanu ku caddaynaynaa, ciyaartoyda koox walbaa waxay leedahay qol ay ku lebistaan oo garoonka ku yaalla, sidaa daraadeed waxa dhacday markii qaybtii hore ee ciyaartani dhammaatay, in Isu-duwe ka mid ah isu-duwayaasha labada xul midkood uu u tegay ciyaartoydii iyo isu-duwahoodii oo qolkoogii ugu tegay, kadibna ay wada-hadal yeesheen.
Waxa kale oo aanu ku caddaynaynaa ciyaartii maanta dhacday sidii ay u dhacaysay, kaas oo ay dhammaan dadweynihii, saxaafaddii iyo masuuliyiintii halkaa joogtayba u arkayeen.

S: Go’aankan aad gaadheen ma sharci baa dhigaya mise waxa idinku kelifay sida warar la isla dhexmarayaa ay sheegayaan in go’aankan qaadashadiisa uu ka yimid, awood siyaasadeed oo xaga sare idinkaga timid oo ay xubno wasiiro ahi sida la sheegay idinla soo hadleen cadaadisna idinku saareen inaad go’aankan soo saartaan, arrintaas siday wax uga jiraan?

J: Annagu waxaanu raacaynaa oo keliya sharciga, wax culays ah oo nala saaray ma jirto. Galabta markii aanu garoonka Hargeysa Stadium joognay ayaanu saxaafadda u sheegnay in aanu caawa (xalay) war-saxaafadeed ka soo saari doono arrintan oo aanu balaminay, isla markaas may jirin cid noo timi, ama nala soo hadashay iyo cid siyaasad kale ka lihi ma jirto.

S: Arrintan oo kale marka ay dhacdo, sharci ma ka yaallaa lagu xukumo, ama xeerar iyo qawaaniin ay wasaaraddu u samaysay?

J: Haa wuu jiraa. Kubadda Cagta sideedaba waxa ka yaallaa sharciyo, ka ugu horeeyaa waa kan FIFA oo ah ka ugu sareeya, kadibna waxa ku xiga ka CAF ee qaaradda Afrika, ka saddexaadna waa sharciga u yaalla Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland. Intaasiba waxay dhigayaan in aan kooxina koox kale si musuqmaasuq ah ku reebi karin ama ciyaarta ka baxsan.

S: Ma jiraan wax ganaax ah oo ay labadaa kooxood mutaysanayaan oo aan ahayn in ciyaartaas la baabi’iyay, si aan tan oo kale oo dhicin?

J: Hadda go’aankayaga kuma cadda tallaabada laga qaadayo cidii falkan geysatay, maadaama uu ahaa kii ugu horeeyay ee tartamadii Somaliland intii ay dhaceen ka dhaca, sidaa darteed marka ciyaaruhu dhammaadaan, waanu ka dhigi doonaa sharci si ciyaaraha dambe aanay u dhicin tan oo kale.

S: Maadaama ay labada kooxood ciyaartii hore rabshad sameeyeen oo ay ku dagaalameen, kadibna aanay wax ganaax ah ku mutaysan, ciyaartii labaadna ay sidan iyaduna u dhacday, miyaanay haboonayn in labada kooxoodba la ganaaxo, tartankana sidaa lagaga saaro, kadibna saddexda kooxood ee soo baxay ay ku wada ciyaaraan semi-finalka?

J: Runtii way ahayd sidaas, laakiin annagoo eegayna sababta, jadwalka isboortiga iyo duruufaha inagu xeerran dhammaantood, waxaanu isla garanay in aanu labadooda, maadaama markii hore ay islaayeen, ciyaartii labaad ee laysku celiyayna ay sidan sameeyeen in iyaga uun lagu kala saaro qori-tuur.

S: Maadaama aad go’aan adag oo ganaax labada kooxood-ba ah gaadhi kari waydeen, miyaanay keeni kari in ay saameyn ku yeelato tartamada ciyaaraha gobollada ee mustaqbalka oo ay ciyaartoydu ku dhiiradaan in ay tallaabooyinkan oo kale ku kici karaan?

J: Runtii horta ciyaaruhu waxay leeyihiin sharci u gaar ah, waxyaabahan hadda dhacayna waa “Dhishibiliin” (Akhlaaqiyan), waana mid ka baxsan akhlaaqiyaadkii ciyaartoyga, qof walbaana wuxuu u baahan yahay inuu ka dhigto mid gaar ah. Sidaa daraadeed annagoo mar walba tixgelinayna ciyaartoyga cusub ee gobollada, waxaanu ku rajo weynahay iyadoo tartankan lagu gudo-jiro iyo kuwii ka horeeyay midna lagu soo darin tan dhishibiliinka, in aanu wixii hadda ka dambeeya uun ku soo darno.

S: Go’aankiinan miyaad la socod siiseen kooxaha ama masuuuliyiinta ciyaartoyda gobollada?

J: Hadda ayaanu soo saarnay, waxaanay leeyihiin Isu-duwayaal, kuwaas ayaana loo qaybinayaa, welina umaanu geyn.

S: Ambiil ma ka qaadan karaan kooxuhu arrinkan?

J: Haa, laakiin waxa ay keenayaan ee ay Ambiilka ku qaadanayaan ee ay ku salaynayaan ma noqoyo mid iyaga waxtar u keenaya, maadaama ay iyagu waxan sameeyeen, cid kalena aanay ku sameyn.

S: Garsoorkii ciyaartu muxuu isagu ka yidhi arrintan?

J: Garsoorku wuu ku jiraa hadalka gudihiisa, waana ka mid oo liiskan wuu ku jiraa, warbixintii ay soo diyaariyeena way soo saareen in aanay ciyaarta waxba ka jirin, maadaama ay hadalladoodii, siday kubadda isugu dhiib-dhiibayeen, way cadeeyeen inay ahayd ciyaar aan caadi ahayn.

S: Garsoorku ku gaadheen markii garoonka dhexdiisa la joogay?

J: Garsoorku iyagu ciyaartii si caadi ah ayay u dhameeyeen, iyadoo la raali-gelinayo dadweynaha lacagta bixiyay, go’aankii waa kan ay hadda gaadheen.

S: Maxaad ka yeelaysaan haddii ay labada kooxoodba diidaan go’aankan?

J: Go’aankan diidmadiisu waxay u dhici kartaa uun mid uun; in ay yidhaahdaan kama qayb-gelayno tartanka, sidaas hadday noqotana in group-kan B ee ay ka midka ahaayeen uu gobolka Awdal keligii ka taagnaado.

S: Waxa ciyaarta sharciga u yaallaa in garsoorayaasha saddexda ah ee gudaha ku jira maahee, ka afraad in haddii wax yimaadaan uu gacanta taago soo gudbiyo wixii dhaca, markaa idinku ma habkaas ayaad raacdeen?

J: Haa, habkaa waanu raacnay, waxa kale oo aanu raacnay dacwada ay soo gudbiyeen gobolka Awdal, waxa kale oo aanu raacnay faaqidaadii ciyaarta ee dadweynaha. Waxa kale oo aanu raacnay guddigii dacwadaha warbixintii ay noo soo gudbiyeen. Waxa kale oo aanu raacnay go’aankii ay guddiga farsamadu gaadheen.

S: Sida sharcigu dhigayo, koox waliba iyadaa ikhtiyaarka u leh habka ay u ciyaarayso, cidina kuma amarto maamul isboorti iyo ku kale toona, koox kastana uu sharcigu siinayo sida ay doonayso ee ay ciyaarteeda ku ilaashanayso ay u ciyaarto, markaa miyaanay u ekeyn in aad ikhtiyaarkii ay lahaayeen kooxahani aad ka qaadaysaan oo aad leedihiin sidaanu doonaynay umay ciyaarin, taasi xagay sharciga ka soo gelaysaa?

J: Ciyaari horta waa ciyaar, waana loogu talo-galay in ay labada kooxood ciyaaraan kala badiyaan, barbaro noqdaan, laakiin tan maanta dhacday, runtii waa ciyaar ay laba kooxood ku kala helayeen dhibco iyo waa tartan midna uma ekeyn, waxaanay u ekeyd ciyaar lagu heshiiyay oo aan waafaqsanayn sharciga oo aan dhuumasho iyo qarsoodi toona lahayn oo si badheedh ah ayay ugu talo-galeen in ay u reebaan Gobolka Awdal.

S: Markaa go’aankiinu ma waxa uu ahaa in ay koox waliba si adag oo weerar ah u ciyaarto?

J: Maya, laakiin koox waliba in ay awoodeeda ciyaarto, itaalku meeluu dhigaba.

Dhinaca kalena, waxaanu go’aankan sida ay u arkaan wax ka weydiinay Madaxda labada kooxood ee go’aanka lagu fuliyay.

Isu-duwaha Ciyaaraha gobolka Saaxil, Shaafici Jaamac Aadan oo a weriyayaal Haatuf ka tirsani arrintaa wax ka weydiiyeen ayaa ugu horey yidhi: “Runtii markii aan maqlay go’aankan waxa uu igu noqday mid anfariir igu riday oo igu cusub, wasaaradduna wax alaala wax ay nala socodsiisay ma jirto. Go’aankanina ma aha go’aan uu qaadan karo gobolka Saaxil, dhegaha dadkana ma aha mid mari karaya.”

Isu-dawaha mar la weydiiyay in ay jirto arrinta ay guddigu ku eedeeyeen labadooda kooxood ee ah in ay afka isa saareen oo ay u heshiiyeen kooxda Awdal, waxa uu ku jawaabay “Waxa jirtay in ciyaartoyda labada kooxood ciyaartii hore isku dhaceen, iyadoo aanu maalinta hore isku daynay inaanu heshiisiino, laakiin heshiiskaa hore nooma dhammayn, markaa maanta markii ay ciyaartu bilaabmaysay, ayaanu aniga iyo isu-duwaha kale ee Sanaag waxaanu la hadalnay ciyaartoyda oo aanu u sheegnay in ciyaarahani yihiin qaar loogu talo-galay in aad isku barataan oo isku dhex gashaan, dhiirigelina ay u tahay dhallinyarada loogu talo-galay, markaas oo aanu u sheegnay in aanay wixii maalintii hore oo kale samaynin,taasna way naga aqbaleen.”
Laakiin Isuduwuhu isagoo ka hadlaya go’aankan wuxuu yidhi: “Go’aankani waa mid runtii aad layaab noogu noqday, mid aanu aqbali karno oo aanu qaadan karnana maaha, kuwa qoryaha loo tuurayaana annaga maaha,” waxaanu intaa ku daray oo Shaafici yidhi: “Waxaananu jecelnahay in aanu si toos ah wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ula hadalno, markaa annagu go’aanka wasiirka ayaanu sugaynaa. Haddii go’aanka wasiirku uu noqdo go’aan ku xidhiidhsan go’aanka guddiga, go’aan ayaanu annagu degdeg u qaadanaynaa. Haddii wasiirku sidaa wax ka bedellana wanaag ayay ku dhammaan doontaa Insha Allah.”

Isu-duwaha ciyaaraha ee Saaxil, wuxuu ku adkaystay in ciyaartaa ay shalay ciyaareen ahayd mid sharci ah oo sidii loogu talogalay u dhammaatay, isla markaana aanay waxba ka jirin eedda go’aankan sababtay ee ah in ay heshiis gaar ah afka isa saareen.

Dhinaca kale, Isu-duwaha Ciyaaraha Gobolka Sanaag, Muuse Saalax Cismaan oo aanu wax ka weydiinay waxa uu ka qabo go’aanka guddiga farsamada tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland soo saareen, ayaa yidhi: “Horta anigu weli maan arag sharci dhigaya, kay noo dhiibeen xeer-hoosaadka ahaa, ka adduunka ee FIFA toona, ciyaar 90-kii daqiiqo ku dhammaatay, garsoorihii hayayna ku dhameeyay, kadibna go’aan dambe lagu baabi’iyo,” waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi Muuse: “Ma qaadanayno go’aankan mana aha wax la aqbali karo, waana in la kala saaraa siyaasadda iyo ciyaaraha.”

Muuse Saalax, waxa uu sheegay in xeerkii ay wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaruhu siisay aanu ku jirin kan ay maanta sheegayaan, isla markaana aanu marnaba ahayn wax sharciya oo sharciga kubadda cagta ee adduunka dhinacnaba ka soo gala, waxaanu ku tilmaamay mid dan gaara laga doonayay, isagoo arrintaa taabanayana wuxuu yidhi: “Waxaanu u aragnaa in nala leeyahay, maxaad isku layn waydeen.”

Top


“Ma Jirto Waxaan Ka Baqayaa, Waxaagu Waa Aflagaado, Isaaqa Suuriya  Jooga U Sheeg Warbixin Ha Siiyeen Dawladda...”

S: Dadka la laayay qaar ma iska tiqiineen? Maxay ahayd sababta loo xasuuqay?

Dimishiq (Haatuf): Akhristayaal intiinii akhrisatay waxaanu cadadyagii soo baxay 21-kii Sabtembar 2003, idiin soo gud-binay waraysi aanu la yeelanahay Kornayl.Ibraahin Cali Barre (Canjeex) oo ka mid ahaa saraakiishii awoodda badnayd ee ciidamadii Siyaad Barre, isla markaana loo haystto eedda xasuuqii ka dhacay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho markii ay taariikhdu ahayd 17-Kii Julay 1989-kii, halkaas oo goor habeen-badh ah dhegta dhiigga loo daray 47 qof oo iyaga oo aan waxba galabsan guryahooda qoorta laga soo qabtay, ka dibna inta ay ciidamadii koofiyad-casta iyo kuwii taangiyada ee fadhiyey magaalada Muqdisho ee xarunta u ahayd dawladdii Siyaad Barre ururiyeen ku daabuleen baabuur, ka dibna ku gawraceen xeebta la yidhaahdo Jasiira oo dhinaca Koonfur-galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Kornayl Canjeex waxa uu xiligaa ahaa taliyihii guutadii taangiyada, waxaana loo haystaa eed ah inuu isagu bixiyey amarkii lagu laayey dadkaa, laakiin waraysi aanu la yeelanay 21-kii bishan isaga oo jooga magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya wuu diiday inuu eeddaa qabo, hase yeeshee su’aalo iyo dood badan ayaa ka dhashay jawaabihii uu ka bixiyey waraysigaa, sidaa darteed mar kale ayaanu waraysi labaad la yeelanay dabayaaqadii toddobaadkii ina dhaafay, anaga oo ku waraysanay isgaadhsiinta Inter-netka, wuxuuna waraysigaasi u dhacay sidan

S: Ma rumaysan tahay Canjeex ahaan in 17-kii Julay 1989-kii xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho lagu xasuuqay 47 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda qabiilka Isaaqa?

J: Sidii aan uga jawaabay su’aashii waraysigiinii hore oo kale, dadkaas la laayey waxaan shaqo ku leeyahay ma jirto ee waxaasi waa dacaayad aan sal iyo raad toona lahayn, laakiin marka aan sida ay su’aashu tahay uga jawaabo dadkaasi inay ahaayeen beesha Isaaq wax aan shakhsiyan ka ogahay ma jirto, aniga oo ah nin muslin ah, jecelna inaan arintaa ka jaahil saaro dad u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland, arintaa waxba kama ogi, shuqulna kuma aan lahayn.

S: Goorma ayaad ogaatay in amarka xasuuqu sidaa u fulay?

J: Anigu sidii aan horeba uga jawaabay ma ogi amar wax lagu xasuuqay iyo meel wax lagu xasuuqayo toona ama meel amar lagu bixiye.

S: Maxaa dadkaa loo xasuuqay?

J: Su’aasha ah maxaa dadkaa loo xasuuqay ma aha mid aniga I khusaysa, waayo anigu askari ayaan ahaa ee maan ahayn siyaasi xubin ka ahaa siyaasiyiintii dawladda.

S: Waxaad waraysigaagii hore ku qiratay inaad dad ka reebtay xasuuqaa, taa macneheedu miyaanu ahayn inaad badhna sii daysay, badhna laysay?

J: Inkasta oo aan su’aashaa horena uga jawaabay, iminkana waan ku celinayaa, amarkii ay bixiyeen raggii madaxda ahaa ma ahayn in la raafo saraakiisha, ganacsatada iyo odayaasha, markaa anigu waxaan isku dayey inaan arintaa ka bad-baadiyo dadlkii odayaasha, ganacsatada iyo saraakiisha la yaqaan ahaa, markaa ayey ciidamadii gaaska 14aad oo hawsha fulinayey ay amarkii jebiyeen oo ay soo raafeen dadkii ganacsatada, saraakiisha iyo odayaasha ahaa, dabadeedna anigu shakhsiyan waxaan sameeyey inaan arintaa iska hortaago, waayo amarku sidaa muu ahayn, arintaasna waxtar bini’aadminimo ayaan ka sameeyey, inaan sidaa sameeyeyna waxa goob-joog ka ahaa dad u dhashay Somaliland oo ay ka mid yihiin dadkii markaa la soo raafay.

S: 47-ka qof ee la laayey waxa la rumaysan yahay inaad ugu aarayseen nin aad ilmaadeer rum ahaydeen oo ahaa taliyihii saldhigga bilayska xaafadda Hodan, ninkaas oo lagu dilay kacdoon ka dhacay masaajidka Sh. Cali Suufi maalinimadii 14-kii Julay, markaa hadii nin qudha la dilay maxaad nin qudha ugu aari-waydeen ee aad waxaas oo dad ah u xasuuqdeen?

J: Waxaan mar kale kuu sheegayaa inaanan fulin wax aarsi ah oo aan ka dambayn, iyadoo aad taa waydiin karto labadii sarkaal ee ila joogay oo uu mid u dhashay Isaaq, midna Hawiye, hadiise aad qabiil igula noqotay sarkaalka la dilay waxa uu ahaa ciidanka daraawiishta, wuxuuna u dhashay Ugaadeen, lamana diline waa la dhaawacay, ninka kale ee la dilay waa Aadan Magan oo ah Mareexaan, balse hadii aan taas oo kale kugula noqdo waxa laga yaabaa inaad tahay Habar-awal, Sacad Muuse, reer Axmed ama reer Gadiid ama reer shirdoon, markaa ma waxaad ka wadaa taas oo kale, sidaas oo kale ayaan la ahaa dadkaa.

S: Xagee bay joogtaa gabadhii uu qabey ninkaa taliyaha ah ee la dilay?

J: Gabadha ninkaa marxuumka ah illaahay ha u naxariistee meel ay joogto ma aqaan.

S: Waraysigaagii hore waxaad ku sheegtay inaad berigaa bad-baadisay rag ay ka mid yihiin Xuseen Dheere, X/xakiin Sumuni iyo Xuseen Kharashyare oo isagu waqtigaa xasuuqu dhacay mootanaa (Alla ha u naxariistee), laakiin raggaa kale xiligaa waxay ka mid ahaayeen saraakiishii hogaaminaysay ururka SNM, waxayna ku sugnaayeen goobihii dagaalka, markaa maadaama aad raggaa been ka sheegtay miyaanay in waxa aad sheegayso oo dhami ay been yihiin, oo aad iska dembabasayso xasuuqii aad geysatay?

J: Walaal su’aashaas dib ugu noqo , Xuseen Dheeraha aan idiin sheegayaa waa Injineer ciidanka cirka ah, wuxuuna u dhashay Habaryoonis, oo Isaxaaq ayuu ka sii ahaa. Ninka labaad ee Sumuni isna waxa uu ahaa nin NSS-ta ah, markaa saaxiib u hubsada meesha uu joogo, ninka saddexaad ee ah Kharashyare markaa waa noolaa ee dib u hubsada.

S:Waxaad waraysigaagii hore ku sheegtay niman aad tidhi waxay masuul ka ahaayeen xasuuqii xeebta Jasiira, laakiin aanad magacyadooda sheegin, sida wasiirkii difaaca ee xiligaa, taliyihii ciidamada ee xiligaa, ma sheegi kartaa magacyadooda, hadiise uu Gabyow ka mid ahaa intii uu noolaa maxaad uga hadli wayday?

J: Raggaasi ma aha kuwo u baahan in la yidhaahdo hebel iyo hebel, magacyadooda waydiiya saraakiisha Isaaq ee kula joogta, laakiin aniga oo jecel inaan si waadix kaaga jawaabo adigu waxaad tahay nin Somaliyeed , waxaadna markhaati ka tahay in rag qabiilka Isaaq ahi ay xubno sarsare ka ahaayeen dawladdii, sidaa awgeed raggaas adiga oo dariiqadaada ku raadsanaya la xidhiidh sida iila soo xidhiidheen oo kale, waxa kale oo aan intaa kuugu saayidinayaa wasiirka gaashaandhiggu markaa ma ahayn Gabyow ee waxa uu ahaa Xuseen Mataan oo u dhashay qabiilka Ugaadeen.

S: Maxay ahayd sababta loo casilay labadii sarkaal ee Xuseen Xasan iyo Neero la kala odhan jiray?

J: Waxaan jeclaan lahaa inaad I waydiiso su’aalo ila fil ah oo aad garatid xilka aan anigu qaranka u hayey, nimankaasi janaraalo ayey ahaayeen aniguna kornayl ayaan ahaa.

S: Miyeydaan saraakiishan isku qabsan xasuuqa oo aad adigu madax ka ahayd?

J: Waxaan mar kale kuugu celinayaa anigu madax kama aan ahayn xasuuqa, waqtiga aan ka soo baxay iyo waqtiga aan xeradayda ku noqday waydii sarkaalka Isaaq ee ila joogay.

S: Dadka la laayey adigu shakhsiyan qaar ma istiqiineen?

J: Dadkaas ma jiro qof aan ka aqaanay.

S:Ma jireen Inamo aad isku qabateen Geerash ka soo horjeeday Hutel Tawfiiq, geeshkaas oo gaadhi laguugu samaynayey, ka dibna aad inamada isku qabateen mushqaayaddii, dabadeedna aad ku dartay xasuuqii?

J: Arintaasi waa aflagaado, mar waxaad leedahay nin dawladda sare ah baad ahayd, marna waxaad leedahay geerashle ayaad lacag isku qabsateen, taasi ma jirto.

S: Waraysigaagii hore waxaad ku sheegtay in adiga aas Nayroobi ah ka qayb gelaya ay laba nin oo iyana aaska joogay ka sheekeeyeen xasuuqii Jasiira, oo ay goob-joog ahaayeen, labadaa nin ee aad sheegtay inay goobtii xasuuqa joogeen kuwama ayey ahaayeen?

J: Labadaa nin may ahayn saraakiil, laakiin waxay ahaayeen saraakiil-xigeen, balse miyaad garan kartaan hadii aan idiin sheego magacyadooda, hadii aan anigu kuu jawaabo ma garan kartid, waayo niman yar yar bay ahaayeen.

S: Maxaad dalalka kale oo dhan aad uga dooratay inaad Suuriya ku noolaato, mase ka baqe qabtaa inay Suuriya dalkeeda kaa saarto?

J: Anigu waxaan idiinku jawaabayaa si ixtiraam leh, oo ka fiican sidaa aad wax ii waydiinayso, anigu ma jirto waxaan aan ka baqayaa oo aan ahayn illaahay. Waxaan kuu sheegayaa halkan Suuriya dadka u badani inay yihiin Isaaq, hadii aan kula kaftamona u sheeg inay warbixin siiyaan dawladda Suuriya. Waxa kale oo aan kuu sheegayaa inaan 13 sannadood Kenya joogay oo Isaaqu ku badan yahay oo ay dawladda Kenya ka tirsan yihiin, ganacsato waaweyn ku leeyihiin, balse aan isku kalsoonaa, maxaa yeelay dembiile ma ihi oo damiirkayga ayaa fayow.

S: Diyaar ma u tahay in baadhitaan hubsiimo ah lagugu sameeyo oo ay reer Somaliland ah oo ah ehliyadda dadkoodii la xasuuqay kula yeeshaan ?

J: Waxaan kuu sheegayaa oo aan diyaar u ahay iska dhaaf reer Somaliland ee waxaan diyaar u ahay maxkamad caadil ah oo Soomaaliyeed, taas oo aan illaahay ka baryayo in la helo, dadkaas aad sheegaysona diyaar baan u ahay inaan kulan la yeesho.

Top


Djibouti Oo Dibadda Uga Soo Booday Xaydaabka Shirka Kenya

Nairobi (Haatuf): Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay inay ka baxday shirka dalka Kenya uga socda kooxaha Somaliya, iyadoo xubin ka ahayd guddiga urur-goboleedka IGADD ee shirka maamulaya, sidaana waxa maalinmtii doraad BBC-da u sheegay safiirka dawladda Jabuuti u qaabilsan arimaha Somaliya, Ismaaciil Guuleed Budhin.

Safiirka dawladda Jabuuti u hadlay waxa uu sababta uu shirka uga baxay ku tilmaamay inuu shirkaasi ka baydhay ujeedadii loo qabtay, isaga oo ujaadadii shirka loo qabtay ku tilmaamay in lagu soo dhiso dawlad ay kooxuhu u dhan yihiin, laakiin buu yidhi aanay taasi hadda muuqan, sidaa darteedna ay dawladda go’aan ku gaadhay inay debedda ka joogto maamulka iyo arimaha shirkaa ilaa inta buu yidhi la saxayo qaladka shirka soo galay, taas oo uu ula jeedo inay bannaysay xubinimadii guddiga IGADD ee shirka maamulayey, wuxuuna safiirka Jabuuti gudoomiyaha shirka Mr. Kiplagat ku eedeeyey inuu qaaday talaabooyin aanay ka tashan guddiga IGADD ee shirka dusha ka maamulayaa.

Sidaa awgeed safiirka Jabuuti waxa uu intaa ku daray inaanay dawladdiisu aqoonsanayn hadii dawlad shirkaa lagu dhiso, waa hadii buu yidhi aanay kooxuhu u dhamayn, isaga oo saadaaliyey in hadii ay shirkaa ka soo baxdo dawlad aan loo dhamayn ay taasi keeni karto dagaalo dhiig ku daato iyo colaado sokeeye oo mar kale Somaliya ka dilaaca. Laakiin waxa uu tilmaamay inay dawladdiisu mar walba ka shaqayn doonto danaha Somalida.

Top


Tareen lagu qarxiyey jidka isku xidha Itoobiya iyo Jabuuti

Addis Ababa (Haatuf): 2 qof ayaa dhintay, 9 qofna waxa soo gaadhay dhaawacyo, ka dib markii Tareen ay saarnaayeen bam ku qarxay isaga oo maraya wadada Tareenka ee isku xidha dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, sidaana waxa sheegay cadeeyey wasiirka warfaafinta ee dawladda Itoobiya, waxaana dhacdadaa digtooni weyn ka qaatay ciidamada Maraykanka ee fadhiya dalka Jabuuti, iyaga oo baqe ka qaba inay kooxaha ay argagixisada ugu yeedhaan jiidaha ka fulin karaan hawl-galo caynkaas ah.

Afhayeen u hadlay shirkadda Tareenada ayaa sheegay inuu Tareenkaa qaraxu halleelay isaga oo maraya meel u dhow magaalada la yidhaahdo Adiquala oo ku taal qiyaas 190 KM u jirta xadka ay Itoobiya la leedahay dalka Jabuuti, iyadoo uu Tareenkaasi ka yimi dhinaca Jabuuti.
Sarkaalka u hadlay ciidanka bilayska Itoobiya ayaa sheegay inay dadkii halkaa ku dhaawacmay markiiba ula carareen cusbataal u dhow meesha qaraxu ka dhacay, isla markaana waxa sarkaasi sheegay in lagu gudo jiro baadhista sababta iyo cidda qaraxaa ka dambaysay, iyadoo aanay ilaa hadda jirin cid sheegatay masuuliyadda qaraxaa. Hase yeeshee weriye BBC-da uga soo waramay magaalada Adis-ababa ayaa sheegay in meesha qaraxu ka dhacay ay ka mid tahay jiidaha ay hawl-galada ka fuliyaan mucaaradka ku kacsan dawladda Itoobiya ee OLF (Oromo Liberation Front) iyo ONLF (Ogaden National Liberation Front).

Markii ay arintani dhacday waxa digtooni weyn la geliyey ciidamada Maraykanka ee Jabuuti fadhiya, iyadoo ay dawladda Maraykanku hore u sheegtay in hawl-galada ay ciidamadeedu ka wadaan gobolka bariga Afrika iyo mandaqadda badda cas ay qayb ka yihiin dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada loo yaqaan, taas oo ay dawladda Maraykanku aaminsan tahay inay dagaalyahanada Alqaacida saamayn ku leeyihiin mandaqadda, waxaana la sheegay in ciidamada Maraykanka ee Mandaqadda ku sugan hawl-galkoodu ku wajahan yahay dalalka Itoobiya, Jabuuti, Somaliya, Ereteriya, Suudaan, Kenya iyo Yamen, waxayna xukuumadda Washington hadda baadhaysaa sidii ay wax uga ogaan lahayd warar sheegaya inuu ururka OLF ee Oromadu xidhiidh la leeyahay ururka Alqaacida ee uu hogaamiyo Usama Bin Laden. Waxa kale oo ay sheegeen saraakiisha Maraykanku inay ciidamadooda fadhiyaa gobolka badda cas ka sokow ay ka hawl-gelayaan xeebaha badweynta Hindiya.

Sannadkii ina dhaafay waxa dalka Itoobiya ka dhacay qaraxyo dhawr ah. Tusaale ahaan bishii Julay ee sannadkan waxa qarax ka dhacay hudheel la yidhaahdo Small Segen Hotel oo ku yaal xaafadda Megenagna ee magaalada Adis-ababa, qaraxaasna waxa ku dhaawacmay ilaa 31 qof. Sidoo kale kal hore waxa qarax lala beegsaday hudheelka la yidhaahdo Tigray Hotel oo isna ku yaal caasimadda Itoobiya ee Adis-ababa, waxaana qaraxaa lagu xidhiidhiyey ururka OLF, laakiin saraakiisha bilayska Itoobiya si buuxda uma caddayn halka qaraxyadaasi dabada ku hayaan.

Top


Kofi Annan Oo Ka Hadlay Xaaladda Bariga Dhexe

New York (W.Wararka) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Kofi Annan ayaa bulshada Caalamka ugu baaqey iney tallaabooyin adag ka qaadaan sidii ay ku badbaadin lahaayeen qorshaha tubta Nabadda ee 'Road Map'.

Mr Annan waxa uu hadalkan jeediyey ka dib markii uu dhammaadey shir ay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Russia iyo Mareykanku ay New York kaga wada hadleen sidii loo soo nooleyn lahaa qorshaha Tubta Nabadda.

Waxa shirkaasi uu dhaleeceeyey argagixisadii loo geystey maalmahan dambe, waxaana ay Israa'iiliyiinta iyo Falstiiniyiintuba ugu yeedheen in ay u hogaansanaadaan waajibaadka uu qorshaha Tubta Nabaddu uu farayo labada dhinac. Madaxda shirtey lamay imanin fikrado cusub oo lagu badbaadin karo qorshaha nabadda.

Shirkani lagu qabtey Xarunta Qaramada Midoobey ee New York waxa uu yimid wakhti ay sii kordheyso niyad xumada loo hayo mustaqbalka ay lahaan karaan wadahadaladii Bariga Dhexe ee loo baxshiyey 'Road Map'.

Qorshahan oo loo habeeyey inuu asaas u dhigo qaabdhismeed lagu keeno nabad dhexmarta Israa'iil iyo Falastiin ayaa waxa saaran cadaadis aad u weyn.

Todobaadkii ina dhaafey ayuun bay ahayd markii ay QM gole u noqotey dood si qayaxan loogu dhaleeceeyey hanjabaaddii ay dhawaan Israa'iil ku sheegtey iney hogaamiyaha Falastiin Yasser Carafat ay ka masaafirin doonto gayiga Falastiiniyiinta.

Maadaama labada dhinac ee haatan shirku uga socdo New York waa QM, Midowga Yurub, Russia iyo Mareykanka ay laf’ahaantoodu ku qeybsanyiiin sidii mashaakilka Bariga Dhexe wax looga qabanayo, waxa diblomaasiyiin badan oo arintan indhaha ku haya ay ka cabanayaan in horumar aan badneyn laga gaadhi karo shirkan.

Top


Israa’iil Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Dhaqdhaqaaqa Falastiniyiinta

Qudus (W.Wararka) Ciidamada Israa'iil ayaa xidhey dhammaan xuduudda Israa'iil la leedahay Daanta Galbeed taas oo ka timid cabsi laga qabo in Falastiiniyiintu ay weerarro geystaan Ciida Yuhuudda ee socota.

Afhayeen u hadley Gaashaandhigga Israa'iil ayaa sheegey in dowladda Israa'iil ay go'aansatey in ay dib u xidho dhulka Falastiiniyiinta saddexda maalmood ee soo socota, ka dib markii la qiimeeyey xaaladda ammaanka.

Waxa uu afhayeenkaasi sheegey in xaaladaha aadaminimo oo kaliya lagu ogolaan doono in dadka qaar ay ku galaan Israa'iil, taasina waxa ay ku xidhnaan doontaabuu yidhi afhayeenku in fasax laga helo masuuliinta dalka Israa'iil.

Laakiin inta aan amarkan la soo rogin ka hor xataa, tirada Falastiiniyiinta loo ogolaado iney dhinaca Israa'iil galaan aad ayaa loo xakameenayey, ka dib markii 20 Israa'iiliyiin ah qarax lagu diley magaalada Qudus bishii ina dhaaftey.

ilaa wakhtigaa ka dib, labaatan kun oo iskugu jira dadka Falastiiniyiinta ee ka shaqeeya gudaha Israa'iil iyo ganacsatad oo kaliya ayaa loo ogolaa iney dhinaca Qaza ka soo gudbaan oo ay Israa'iil u shaqo tagaan iyo dad qiyaastii aan ka badneyn ilaa sagaal kun oo iyagana loo oglaa iney ka soo galaan Daanta Galbeed.

Tirooyinkaas waa inyer oo ka mid ah shicib weynaha Falastiiniyiinta ee degan aaggaas.

Kooxaha dagaalyahanada ayaa ku dhaar-galey iney aar gudan doonaan, ka dib markii subaxnimadii Khamiistii ay Israa'iil weerrar kadis ah ku qaaddey goobo ka tirsan Qaza iyo magaalada Hebron ee ku taal Daanta Galbeed, halkaasna ay ciidamada Israa'iil ku dileen dhowr ka mid ah ragga lagu tuhunsanyahay iney ka tirsan yihiin dagaalyahanada Falastiiniyiinta.

Top


Maraykanka Oo Ciidamo Laxaadle Ku Xoojinaya Ciraaq

Baqdaad (W.Wararka) Asakar Mareykan ah oo gaadheysa 15, 000 oo ay ka mid yihiin qaar keyd ah ayaa loo sheegey iney isku diyaariyaan iney Ciraaq u shaqo tagaan.

Warkani waxa lagu dhawaaqey, ka dib markii todobaadkii hore uu sarkaal sare oo Mareykan ahi uu sheegey in ciidamada ilaalada qaranka iyo kuwa keydka ah loo baahan doono.

Waddamada kale ayaa ka soo jawaabi waayey baaq uu Madxweyne Bush ugu yeedhey iney Ciraaq u diraan ciidamo ka qeybqaata xasilinta waddanka Ciraaq.

Ciraaq maalin walba waxa ka dhaca weeraro lagu qaadayo ciidamada Mareykanka.

Dhinaca kale, gantaallo ayaa shalay lagu riday hotel-ka al-Rashiid ee ku yaalla caasimadda Ciraq ee Baqdaad, kaasoo ay isticmaalayeen saraakiil militari iyo rayid isugu jira oo Maraykan ah.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in ay muuqato in hotel-ka aanay waxba gaadhin, isla markaana ayna jirin wax warar ah oo sheegaya dad wax ku noqday.

Hotel-ku, wuxuu ka tirsan yahay dhismayaal dhowr ah oo ilaalo xoog leh laga hayo, oo ay ku jirto xarunta kulamada Baqdad ee military-ga Maraykanku ay ku qabtaan shirarka.

Ilaa konton kiilomitir oo dhinaca galbeed ka ah Baqdaad, magaalada Fallujah waxa iyadana ka dhacay toogasho, magaaladaasi oo ah halka ay ugu xoog badan tahay iska caabinta ciidamada uu Maraykanku hogaaminayo ee ay wadaan muslimiinta Sunni-ga ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in laba Ciraaqiyiin ah la dilay afar kalena la dhaawacay markii ciidamada Maraykanku ay rasaas xalay ku fureen laba baabuur oo ay sheegeen in ay joogsan waayeen meel koontarool.

Maamulka isbitaalka magaaladaas, ayaa sheegay in afar qof ay dhinteen.
Dhinaca kale Qaar ka mid ah Senatorada Mareykanka ayaa iskudayaya in tartanka loogu gorgortamayo shaqooyinka ka soo baxaya Ciraaq laga dhigo mid loo wada baratamo.

In muddo ahba waxa jirey eedeymo maamulka Bush loogu tirinayo sida uu u qeybinayo shaqooyinka ka soo baxa Ciraaq dagaalka ka dib. Gaar ahaan qandaraasyada lagu baxiyey dib u soo celinta saliidda Ciraaq ay dibadda u dhoofiso oo la siiyey shirkad hoos timaadda kambaniga Halliburton oo ah shirkad uu madax ka ahaan jirey Madaweyne ku-Xigeenka haatan ee Mareykanka, Dick Cheney intii aanu xafiiska Madaxweyninimada qabanin.

Qandaraaska dib u dhiska Ciraaq ee ugu weyn oo ay ku kaceyso lacag gaadheysa Lix Boqol oo Malyuun oo dollar waxa la siiyey shirkadda caanka ah ee Mareykanka ee BECHTEL iyadoo aan qanadaarskaas aan la marsiin nidaam loo marayo tartan furan oo shirkaduhu u siman yihiin.

Maamulka Bush waxa uu ku doodayaa, marka la bixinayey qandaraasyadaas, waxa dadka hawsha haya muhiim u ahayd sida ugu dhakhsaha badan ee hawshan loo qaban karo. Injineerada shirkadda BECHTEL-na waxa looga bartey iney tan koowaad ku tahay hawlaha noocaan ah. Ninka faaladan soo qorey waxa uu leeyahay waxa laga sheegey Bechtel muran badan kama taagna.

Si kastaba ha ahaatee, Senator Susan Collins oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Mareykanka ee Jamhuuriga iyo Senator Ron Wyden oo Dimoqraadi ah ayaa soo diyaaryey qoraal ay doonayaan in 'Congressku' uu sharciyeeyo, kaasi oo ay labada Senator ku dalbanayaan in qandaraasyada dambe ee Ciraaq laga bixin doono ay ahaadaan kuwo loo maro nidaam aad u furfuran oo hufan oo tartamaaysha u wada muuqda.

Madaxweyne Bush waxa uu Ciraaq u dalbanayaa lacag gaadheysa $87 Billion oo doolar, wakhti ay soo dhowdahay in cashuurta laga yareeyo tujaarta dalka Mareykanka.

Wakhtigan lagu jiro jawiga siyaasadeed wuu ku sii xumaanaya Bush, Dimoqraadiyiintu waxa ay ka dalbanayaan Bush inuu tanaasulaad ka sameeyo waxyaabo badan.

Xataa qaar ka mid ah mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ee Bush ayaan la dhacsaneyn siyaasadaha Ciraaq ka socda dagaalada ka dib. Taas oo macnaheedu yahay in Bush uu heli doono lacagta uu weydiistey, laakiin ayna taasi ahaan doonin mid si sahlan ku imaneysa.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Xulka Kubadda Koleyga Burco Oo Ciyaar Adag Ugu Soo Gudbay Wareega 2aad

Hargeysa (Haatuf) – Xulka kubadda koleyga ee gobolka Togdheer, ayaa habeenkii xalay ugu soo gudbay wareega semi-finals-ka ciyaar aad u adkayd oo ay la ciyaareen ciyaartoyda xulka gobolka Sool.

Ciyaartan oo wakhtigii la bilaabi lahaa wax yar dib uga dhacday, haddana waxa ay ciyaar ay dadweyne tarabuunka garoonka Timacade buuxiyay ka soo qayb-galeen, isla markaana xamaasadeedu ahayd mid aad u sareysa oo ay ciyaartoyda labada kooxood, ciyaar ahaan iyo farsamo ahaanba isku dhawaayeen, taas oo u badnayd difaac (defense) ay ciyaartoydu isku caabiyeen, waxaanay taasi sababtay in ay yaraadaan dhibcaha ay labada kooxoodba dhalliyeen, iyagoo qaybtii hore ku kala nastay 16 dhibcood oo ay Togdheer lahayd, halka ay Sool 11 dhibcood ka dhashatay qaybtaa hore ee ciyaarta.

Qaybtii dambe markii ay bilaabantay, xamaasadii way ka sii korodhay sidii hore, iyadoo difaacu mar walba ahaa mid sii adkaanaya oo ciyaartoydu tabahooda isa fahmayaan, taas oo sababtay in ay ciyaartu ku dhawaato in ay ku dhammaato barbardhac, balse ciyaartoyga Mahdi Ibraahim Xasan (Dalab) oo ahaa xidigii ciyaartii xalay ayaa kooxdiisa u keenay laba dhibcood oo ugu fadhiyay kooxdiisa kiilooyo dahab ah, waxaanay labadii kooxood ku kala badiyeen laba dhibcood oo keliya, iyadoo ay xulka Togdheer 29-27 kaga badiyeen xulka Sool.

Mahdi Ibraahim Xasan, ayaa ahaa ciyaartoyga ugu dhibco dhalinta badnaa ciyaartan, waxaanu u dhaliyay xulkiisa Togdheer 12 dhibcood, isla markaana ay laba dhibcood ahaayeen dhibcaha uu guusha ku hantiyay xulkiisu.

Xulka Togdheer, waxa uu ahaa xulkii ugu dambeeyay ee u soo gudba wareega semi-final-ka, waxaanay ahayd ciyaartani ciyaartii loogu talo-galay in lagu furo tartanka ciyaaraha gobollada ee kubadda koleyga, balse sababo farsamo awgeed u baaqatay, waxaanay ku soo baxeen kaalinta labaad, sidaa daraadeed waxay semi-finals-ka iskaga hor iman doonaan ciyaartoyda xulka Gobolka Awdal oo kaalinta koowaad kaga soo baxay group B, halka ay caawa ciyaarta koowaad ee wareega semi-finals-ka iskaga hor iman doonaan xulalka Hargeysa oo kaalinta koowaad kaga soo baxday group A iyo Xulka Gobolka Saaxil oo kalinta labaad kaga soo baxay group B.

Top


Sanaag Iyo Saaxil Oo Barbardhac 2-2 Ku Kala Sed Qaaday

Hargeysa (Haatuf): Ciyaar aad u xiiso badan ayaa shalay ku dhexmartay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa, labada kooxood ee Sanaag iyo Saaxil, ciyaartaas oo hore u baaqatay ka dib markii gacan ka hadal ku dhexmaray labada kooxood garoonka, laakiin markii ay guddiga garsoorku ka fadhiisteen ay ku heshiiyeen labada kooxood inay dib u wada ciyaaraan.

Haddaba ciyaartan oo aad u xiiso badnayd waxay labada kooxood ba soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan, waxaana ciyaartaas dhex dhexaadinayey Maxamed C/laahi Oomaar, Mustafe Ciise Xabo calanwadaha koowaad, Deeq C/laahi Saban calan wadaha labaad, waxaana miiska juuriga fadhiyey Maxamed Axmed C/laahi, Khaalid Cabdi Cilmi iyo Yuusuf Cali Cabdi, waxaanay ciyaartaasi bilaabantay 4:05, waxaana weeraro is-daba joog ah qaybtii hore ee ciyaartaas qaaday kooxda ku ciyaaraysay magaca gobolka Saaxil, iyaga oo dhawr jeer garaacay goolka xulka Sanaag, laakiin kooxda Sanaag lafteedu waxay soo bandhigtay ciyaar aad u qurux badan oo uu hagayey ciyaaryahanka ay dadka ciyaaraha daawadaa ku tilmaameen lambar sagaalka Qaranka Somaliland, si kastaba ha ahaatee, ciyaartaasi waxay ku socotay weerar iyo weerar celis ay labada kooxood ba isweydaarsanayeen.

Kooxda gobolka Sanaag haafkii hore ee ciyaarta waxay sigtay goolka Saaxil ugu yaraan 7-ba jeer, iyaga oo marwalba sida roobka isu raacayey weerarka iyo difaacoodu hal mar ay weerar wada galayeen, ciyaarta ay ciyaarayeen gobolka Sanaag waxa laf dhabar u ahaa lambarka 9-aad inanka uga ciyaara Siciid Maxamuud Axmed (West), iyo inan dhalinyaro ah oo magaciisa la yidhaahdo Ismaaciil Yaasiin Mire, halka ay kooxda xulka Saaxilna ka dhexmuuqdeen Xasan Saalax Siciid oo isagu ah inanka ugu firfircoonaa kooxdii ku ciyaaraysay xulka Saaxil.

Laakiin haafkii hore ee ciyaartaasi wuxuu ku dhamaaday iyada oo aan wax goolal ah aanay kala dhashan labada kooxood midna.

Laakiin markii la iskugu soo noqday haafkii dambe ee ciyaarta ayay labada kooxood-ba bilaabeen inay goolal dhashadaan, waxaana goolka ku horeeyey kooxda ku ciyaaraysay magaca gobolka Sanaag, ka dib markii uu ciyaartoyga ay ku dhaartaan gobolka Sanaag Siciid Maxamuud Axmed (No:9) uu si fiican oo qurux badan u dhexdhigay goolka Saaxil, labadii second ee ugu horeeyey ciyaarta, waxaanay ciyaartaasi noqotay hal gool iyo eber ay xulka Sanaag ku hogaaminayaan ciyaarta, laakiin hogaamintaasi may sii socon, ee ciyaartu markii ay laba daqiiqo oo keliya maraysay ayey kooxda xulka Saaxil-na kubbad si fiican ula soo dhexmareen xulka Sanaag, waxaana goolka si qurux badan ugu hubsaday ciyaaryahanka lambarka 9-aad uga ciyaara kooxda Saaxil Xasan Saalax Siciid, waxaanay ciyaartii noqotay barbaro, markii ay ciyaartu halkaa maraysay ayaa ciyaaryahanka lambarka 9-aad uga ciyaara xulka Sanaag Siciid Maxamuud Axmed Tima Dheere, uu xulka Saaxil si qurux badan u soo tiriyey, waxaanu khadka dhexdiisa si qurux badan lugta bidix ugaga dhex qaaday gool ay dadkii daawaneyey samada ka qaylyeen markii ay arkeen sida quruxda badan ee uu u dhaliyey, waxaanay xulka Sanaag qaadeen hogaaminta ciyaarta, balse taasi may sii socon ka dib markii ay dhinaca weerarka si fiican u qabsadeen xulka Saaxil ee ay kubbada isla heleen.

“Kooxdayda waan ku kalsoonahay, laakiin guusha iyaga iyo anaga mid ayuun baa qaadan” sidaa waxa yidhi tababaraha xulka Saaxil oo aan wax ka weydiiyey ciyaartaasi.

Si kastaba ha ahaateemid ka mid ah taageerayaasha xulka Sanaag oo sheegay inuu ilaa 20-kii sano ee u dambeeyey uu la socon jirey ciyaaraha Sanaag ayaa sheegay inay ka badin doonaan kooxda Saaxil, isla markaana sheegay inaanay waxba iskaga tirin doonin. Ninkaas oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cali Yuusuf.

Laakiin ciyaartu markii ay socotay maraysay daqiiqadihii ugu dambeeyey ayey kooxda xulka Saaxil isla soo heleen baas qurux badan, waxaana kubadda qaatay inanka lambarka 6-aad uga ciyaara kooxda Saaxil, isaga oo u dhigay Xasan Saalax Siicid oo isaguna shuud khadka dhexdiisa kaga dhex qaaday goolka xulka Sanaag.

Hadaba marka la isku soo ururiyo ciyaartani waxay ahayd tii ugu xiisaha badnayd ee soo marta garoonka Hargeysa tan iyo intii ay ka bilaabmeen ciyaaraha goboladu, waayo ciyaartani waxay dhexmartay laba kooxood oo uu hore gacan ka hadal ugu dhexmaray garoonka, laakiin aad moodaysay inay isa soo canaanteen, isla markaana aanay imika diyaar u ahayn mar labaad inay gacan ka hadal ku dhaqaaqaan, halka ay arrinta kalena tahay iyada oo ay labada kooxood haddii ay barbar dhac noqdaan oo ay gool iyo gool ku kala badiyaan ay arrinta keliya ee lagu kala saari lahaa guruubkan ay ku wada jireen Awdal, Sanaag iyo Saaxil ay ahayd qori tuur, laakiin markii ay labada kooxood ku kala baxeen barbaro 2-2 ay taasi ka dhigtay in kooxda xulka Awdal halkaas ku hadheen, laakiin taas waxa ka horyimid waxba kama jiraan ka dhigay Guddiga farsamada tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland oo xalay warsaxaafadeed ka soo saaray ciyaartan, kaas oo ay ku gaadheen go’aan odhanaya in xulka Awdal uu kaalinta koowaad ku soo baxay, halka labadan kooxood ee Saaxil iyo Sanaag ku kala bixi doonaan qori tuur ay sheegeen in maanta loo samaynayo. Balse masuuliyiinta labadan kooxood (Sanaag iyo Saaxil) ayaa go’aankan ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn xeerka, isla markaana aanay ogolaan doonin marnaba.

Waxa kale oo ay ciyaartani ciyaarihii hore dheerayd oo ku jiray labada inan ee hogaaminaya gool dhalinta tartanka oo mid waliba dhaliyey saddex gool, kuwaas oo kala ah Siciid Maxamuud Axmed (West), Sanaag iyo Xasan Saalax Siciid (Hindi) Saaxil, halka uu kaalinta labaadna ku jiro ciyaartoyga ku ciyaara magaca gobolka Awdal ee C/Risaaq Maxamed Jaamac.

Geba gebadii waxa kale oo in la xuso mudan ciyaartoyga Mr. Culay oo goolka u hayey xulka gobolka Sanaag, kaas oo runtii muujiyey ciyaar aad u qurux badan, iyo ciyaartoyga numbarka 2-aad uga ciyaara xulka Saaxil Mr Cumaaro.

Dhinaca kale maalintii jimcihii ayay ciyaar xiiso badani oo ay iskaga horyimaadeen kooxaha Sanaag iyo Awdal ka dhacday garoonka Hargeysa, ciyaartaas oo aad u xiiso badnayd waxay labada kooxood ku kala baxeen gool iyo gool. 

Top