Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 471 Nov.27, 2003

Koox Dal-Xiisayaal Imaaraadka Carabta Ah Oo Socdaal Ku Maraya Deegaamo Badan Oo Ka Tirsan Somaliland

Badhasaabka Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismayaal Cusub Oo Lagu Kordhiyey Xarunta Xarunta Agoomaha Ee Boorama

Maayarka Boorama Oo Iska Weeciyey Eedaymo Kaga Yimid mudanayaal Golaha Deegaanka Ah

Dadka Reer Burco Oo Gadood Balaadhan Kala Horyimid Qiimaha Qaadka Oo Kor U Kacay

Baanka Somaliland Oo Ka Digay Lacag La Been Abuuray Oo Loo Ekaysiiyey Shilinka Somaliland

Xiligan Iyo Duruufaha Burco
Warbixin –Wariye Ka Tirsan Haatuf

Reer Ceerigaabo Oo Go’aansaday Inay U Gurmadaan Dadka Abaartu K Habsatay

Cismaan Kaluun Iyo Sababta Dhabta Ah Ee Uu Isaga Casilay Maamulka Kooxda Cabdiqaasin

Xaflad Lagu Soo Geba-Gabeeyay Tartankii Ciyaaraha Koobka Ramadaan Ee Boorama

Aqoon-Isweydaarsi Lagaga Digayo Halista AIDS-ka Oo Lagu Soo Geba-Gabeeyay Burco

Ilaaliyihii Gaarka Ahaa Ee Usaama Oo La Xukumay

Bush Oo Si Lama Filaan Ah Booqasho Qarsoodi Ah Ugu Tegay Ciraaq

Xaalada Maxaabiista Guwaantanaamo Oo Laga Dayriyey

200 Oo Qof Oo Ku Dhintay Dooni Ku Qaraqantay Dalka Kongo

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Haloo Guramado Dadka Abaartu Ku Habsatay

Lama Maqal Wadaad Ka Duceeyey Xabaalo Gaalo Adiga Hortaa

Ilaalinta Xuquuqda Waa Loo Simanyahay

“Shakhsiga Ka Soo Horjeeda Mabaadii’da Maxamed Aadan Waa Mid U Xaglinaya Ninka Puntland Khasabka Ku Haysta”

AF JINACLEY

WAADIGA CIYAARAHA: Halkee Ayuu Marayaa Hirdanka Kooxaha Yurub?


Koox Dal-Xiisayaal Imaaraadka Carabta Ah Oo Socdaal Ku Maraya Deegaamo Badan Oo Ka Tirsan Somaliland

Berbera (Haatuf): Koox dal-xiisayaal ah oo ka socda dalka Imaaraadka Carabta ayaa shalay socdaal ku yimi Somaliland, iyaga oo ka soo degay madaarka Berbera.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera, C/raxmaan X. Daahir (Casaan) dal-xiisayaasha Imaaraadka Carabta oo ay tirado ahayd 11 qof waxay wateen diyaarad khaas ah iyo ilaa saddex baabuur, waxayna isla shalayba magaalada Berbera uga bixitimeen dhinaca xeebta galbeedka Somaliland, iyadoo ay fiidkii xalay ku sugnaayeen magaalo-xeebeedda qadiimiga ah ee Bullaxaar.

ilo xog-ogaal ah ayaa Haatuf u sheegay inay kooxdan dalxiisayaasha ah ka mid yihiin masuuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka Carabta.

Warar kale oo lagu kalsoon yahay ayaa iyaguna tibaaxay inay dal-xiisayaashu booqanayaan degaamo badan oo bariga iyo galbeedka Somaliland-ba ah, iyaga oo dhinaca kalena socdaalkooda ku sahaminaya sida ay xaaladda nabadgelyo ee Somaliland, waxayna dalka joogi doonaan sida la sheegay muddo laba toddobaad ah, waxaana la sheegay inay qaar ka tirsan madax-dhaqameedka reer Somaliland socdaalka ay ku marayaan meelahaa ku weheliyaan.

Waxa kale oo ay wararku tibaaxeen inay kooxdan dal-xiisayaasha ah ka mid yihiin xubno hadda ka hor socdaal ku yimi Somaliland, kuwaas oo laga soo weriyey inay aad ula dhaceen jawigii nabadgelyo ee ay Somaliland ku arkeen, waxaana la filayaa inay dal-xiisayaashani horseed u yihiin qaar ka mid ah shuyuukhda Imaaraadka Carabta oo doonaya meelo ay ku ciyaaraan ciyaaraha Qanafka loo yaqaan oo ka mid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ay u leeyihiin Imaaraadka Carabtu.

Top


Badhasaabka Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismayaal Cusub Oo Lagu Kordhiyey Xarunta Xarunta Agoomaha Ee Boorama

Boorame (Haatuf): Badhasaabka gobolka Awdal, Maxamud Sh. C/laahi ayaa shalay xadhiga ka jaray dhismayaal cusub oo laga hirgeliyey xarunta agoomaha ee magaalada Boorame, waxaana dhismayaashaa cusub maalgeliyey hayadaha UNHCR iyo SCF, waxaana dhismihiisa fuliyey ururka haweenka ee KAALMO, iyadoo uu ururka haweenka ee Kaalmo gacanta ku hayo xarunta agoomaha Boorame.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar xaflad loogu talo galay furitaanka dhismayaashan cusub ayaa lagu qabtay xaruntaa, waxaana ka soo qayb galay, madaxda maamulka Boorame, mudanayaal baarlamaanka Somaliland ah, madax-dhaqameedyo, wakiilo ka socoda jaaliyadda reer Boorame ee gobolka Taxes ee cariga Maraykanka iyo marti-sharaf kale.

Badhasaabka Awdal oo munaasibaddaa hadal ka jeediyey ayaa u mahad naqay ururka haweenka ee KAALMO, iyadoo ururkani muddo ilaa toban sannadood gaadhaysa gacanta ku hayey caruurta agoomaha ah ee reer Boorame, taas oo ay ururkani caruurta agoonta ah ka bad-baadiyey dhibaatooyin saamayn lahaa mustaqbalkooda nololeed. Waxxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xubno ay ka mid yihiin Sh. Cali Jawhar iyo Sh.Muuse Goodaad oo labaduba ka tirsan golaha guurtida Somaliland iyo sidoo kale Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar, waxayna dadka munaasibadaa ka hadlay ku boorriyeen dadka reer Boorame, gaar ahaan ganacsatada, inay ka qayb qaataan taakulaynta agoomahan.

Xaaji Axmed Miisaan oo ka socda jaaliyadda reer Boorame ee magaalada Dallas ee dalka Maraykanka ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna xusay inay jaaliyadaha debeddu diyaar u yihiin, dedaalna ugu jiraan taakulaynta agoomaha iyo hawlaha kale ee samafal-ba, iyadoo ay jaaliyadahaasi xaruntan soo gaadhsiiyeen 120 sariirood oo kuwa hurdada ah iyo furshaantoodii.

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadashay marwo Caasha Jaamac Faarax oo ah gudoomiyaha ururka haweenka ee KAALMO, waxayna ka warbixisay hawlaha iyo adeegyada ay caruurta agoomaha ah u qabtaan, iyadoo tilmaantay dhibaatooyin ka haysta dhinaca biyaha iyo weliba gaadiidka, isla markaana waxay marwo Caasha u mahad celisay cid kasta oo gacan ka geysatay taakulaynta xarunta agoomaha ah, laakiin waxay si gaar ah u xustay jaaliyadda reer Boorame ee gobolka Taxes ee cariga Maraykanka iyo hayadaha samafalka ee kala ah: UNHCR, SCF, iyo WFP, iyadoo ay xarunta agoomaha Boorame ku jiraan caruur tiradoodu gaadhayso ilaa 120 caruur ah.

Top


Maayarka Boorama Oo Iska Weeciyey Eedaymo Kaga Yimid mudanayaal Golaha Deegaanka Ah

Boorame (Haatuf): Maayarka magaalada Boorame, Craxmaan Sh. Cumar ayaa maalintii shalay iska riixay eedaymo ay u soo jeediyeen xubnaha golaha degaanka Boorame qaarkood, isla markaana waxa uu maayarku ka bad-baaday cod kalsooni ah oo laga baqe qabay inay golaha degaanku u qaadaan.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar waxay golaha degaanka Boorame maalintii shalay yeesheen fadhi qaatay dhawr saacadood, kaas oo subaxnimadii ka furmay xarunta maamulka dawladda hoose, socdayna ilaa duhurnimadii shalay, halkaas oo ay mudanayaal ka tirsan golaha degaanku dhaliilo iyo eedaymo la xidhiidha dhinaca maamulka u soo jeediyeen maayarka, laakiin uu maayarkuna dhiniciisa iska weeciyey, iyadoo uu kulankaasi ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo ay saxaafaddu debedda ka joogto, waxayse rag mudanayaal ahi weriyaha Haatuf u sheegeen inuu kulankani ahaa kalfadhigii caadiga ahaa ee uu golaha degaanku bishiiba hal mar yeelan jiray.

Doodda caynkan ahi may ahayn mid shalay bilaabatay, waxayse ku sinnayd ilaa bishii Ramadaan, waqtigaas oo ay xubno ka tirsan golaha degaanka Boorame maayarka ku soo oogeen eedaymo dhinaca maamulka ah, iyaga oo dal-badday inuu jawaabo ka bixiyo waxyaalaha loo haysto. Kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaliilo dhinaca nabadgelyada looga jeedinayo. Waxa kale oo la mid ah qalab ay wakaaladda biyaha Boorame lahayd oo la leeyahay mar qudha ayey faro dhexdood ka baxeen, taas oo lunsigooda lagu eedaynayo maayarka.

Xubnaha golaha degaanka ee maayarka ku dhaliilayo inuu dayacay wax ka qabashada dhinaca nabadgelyada magaalada ayaa ku doodday inay xaaladda nabadgelyada ku tilmaamay mid faraha ka sii baxaysa, iyaga oo tusaale u soo qaatay iska hor-imaad dhowaan dhexmaray shirkadaha Laydhka ee Boorame, taas oo ay mudanayaashani ka digeen inuu sii balaadhan karo, hadii bay yidhaahdeen arintaas iyo arimo kale oo la mid ah wax laga qaban.

Laba mudane oo ka mid ah guddiga nabadgelyada golaha degaanka Boorame ayaa maayarka ku dhaliilay inaanu waxba kala socon dhibaatooyinka nabadgelyo daro ee magaalada ka jira, laakiin maayarka ka jawaabay dhaliilaha caynkaas ah ee loo soo jeediyey, isaga oo iska weeciyey dhaliilaha loo jeediyey.

Maxamed Cabdi oo ka mid ah golaha degaanka ayaa weriyaha Haatuf u sheegay inay mudanayaasha golaha degaanku iska qanciyeen arimihii ay kaga doodeen, isaga oo yidhi “Fadhigaasi wuxuu noogu dhamaaday isqancin, iyadoo tuhunka ay xubnaha qaarkood ka qabeen qalabka biyaha ee la sheegay in la iibsaday uu ahaa mid hore loo naadiyey xaraashkiisa maadaama uu ahaa mid duugoobay ayaa la iibiyey si dayn wakaaladda biyaha loogu bixiyo”. Hase yeeshee qaar ka mid ah mudanayaasha eedaymahan soo jeediyey ayaa sheegay inay dhowaan soo saari doonaan war-saxaafadeed ay tafaasiil kaga bixinayaan waxyaalaha ay ku eedaynayaan maayarka iyo sida ay wax u dhaceen.

Top


Dadka Reer Burco Oo Gadood Balaadhan Kala Horyimid Qiimaha Qaadka Oo Kor U Kacay

Burco (Haatuf): 4 qof oo shicib ah iyo ilaa saddex ka tirsan askarta ciidanka bilayska ayaa dhaawacyo kala duwani soo gaadheen, isla markaana waxa khasaare soo gaadhay qaar ka mid ah hantida dadweynaha, ka dib markii uu maalintii shalay kumanaan dadweyne ah oo dhalinyaro u badani ku talaabsadeen gadood balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan qiimaha qaadka oo cirka isku shareeray ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Mudaharaadkaas oo si weyn u hadheeyey guud ahaan jawiga magaalada Burco, gaar ahaan dhinaca xasiloonida iyo xataa dhaqdhaqaaqa ganacsiga waxa uu bilaabmay barqadii shalay, wuxuuna soo gaadhay goor dambe oo duhurnimadii ah, ka dib markii ay ciidamada amnigu xoog ku kala kaxeeyeen mudaharaadayaashii oo la sheegay inay ahaayeen kooxo xaddigoodu aad u badan yahay, aad-na u abaabullan.

Weriyaha Haatuf ee magaalada Burco Axmed Aadan Yuusuf ayaa ku soo waramay inay mudaharaadayaashu u badnaayeen dhalinyaro aad u tiro badan, waxayna mudaharaadayaashu xidheen wadooyinka magaalada soo gala iyo kuwa isaga gud-ba magaalada dhexdeeda, taasina waxay keentay inuu gaadiidka siddaa goor dambe si habaqle ah uga soo galo dhinacyada hawdka iyo meelo dhinac bariga ah oo aan ahayn wadadii caadiga ahayd ee uu magaalada ka soo geli jiray oo ah wadada dhinaca Sheekh (Dhinaca waqooyiga), iyadoo ay dadka mudaharaadayey taayiro ololayey ku gooyeen jidadka magaalada.

Dadka gadoodka sameeyey waxay ka cadhoodeen qiimaha qaadka oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyey laga soo bilaabo maalintii Ciidul-fidriga ay shirkadda qaadka 571 cirka ku shareertay, waxayna mudaharaadayaashu ku dhawaaqayeen halku-dhegyo ay ka mid yihiin “Qaadka waa in la jebiyaa”, “Qofna ma iibsan karo qaadka ilaa la jebiyo” iyo weedho kale.
Minjinta qaadka ahi waxay ciidda ka hor magaalada Burco ka joogtay 13,000-- 20,000 oo shillinka Somaliga giinbaarta la yidhaahdo ah, laakiin laga soo bilaabo maalintii ciidka waxa uu qiimaha minjinta qaadka ahi kor u gaadhay 35000---40,000 oo shillin Somali ah, taas oo ay dadka reer Burco si weyn uga soo horjeesteen gadood weyna ka sameeyeen, waxayna dadkii mudaharaadka sameeyey dalbanayeen inaan qiimaha qaadka lagu iibiyo qiimihiisii caadiga ahaa oo ahaa 13,000 shillin Somali ah.

Madaxda dawladda ee degmada iyo gobolka ayaa la hadlay dadka mudaharaadayey, kana codsaday inay mudaharaadka joojiyaan, iyaga oo markii ay la hadlayeen u ballan-qaadayey in wax laga qabanayo arinta ay ka cabanayaan.

“Minjinta qaadka ah waxa laydinka siinayaa 20,000 ee joojiya mudaharaadka”, sidaa waxa yidhi badhasaabka gobolka, Cabdi Xuseen Dheere oo la hadlayey dadkii gadoodka samaynayey.

Sidoo kale maayarka Burco, Maxamed Diiriye Xayd ayaa isna isaga oo la hadlaya dadkii mudaharaadayey ku tiraabay “Minjinta qaadka ah waxa laydinka siinayaa 13,000 ee joojiya mudaharaadka”.

Hase yeeshee maamulayaasha shirkadda qaadka ayaa ku gacan saydhay qiimayaasha labada ah ee ay badhasaabka iyo maayarku mid-ba meel kaga dhawaaqay, waxayna dhinacooda sheegeen inay minjinta qaadka ku iibinayaan 22,000 Sh. So., waxaana qaadka lagu qaybinayey banaano cidlo ah oo aan ahayn goobihii caadiga ahaa ee lagu soo rogi jiray ama lagu qaybin jiray, iyadoo ay dadka gadoodsani ku qammaameen maqsinada qaadka, laakiin abaaro 12:00 duhurnimo ayey ciidamada amnigu kala dareeriyeen dadkaa.

Maqsinada qaadka waxa ku xeernaa gaadh isugu jira ilaalada shirkadda qaadka iyo kooxo ka tirsan ciidamada ammaanka, kuwaas oo tacshiirado rasaas ah ku furay dadkii mudaharaadayey, taasina ay keentay inay dhaawacmaan dhawr oo dadweyne ahi.

Taliyaha qaybta bilayska Burco Cabdi Ibraahin ayuu weriyaha Haatuf wax ka waydiiyey sidii wax u dhaceen, wuxuuna sheegay inay mudaharaadkaa ku dhaawacmeen ilaa 7 qof oo isugu jira shicib iyo qaar ka tirsan ciidanka, isaga oo intaa ku daray in dadka dhaawacmay loo xidh-xidhay qaar ka tirsan shaqaalaha shirkadda qaadka, laakiin taliyaha qaybta bilaysku waxa uu arintan ku tilmaamay inay ka dambeeyaan gacmo siyaasadaysan, waayo buu yidhi “Dhalinyaradaa waanu la hadalnay, waxaanuna u sheegnay inanau is aragnay nimankii qaadka wakiilada ka ahaa oo aanu ku heshiinay qiimo go’an, laakiin waxaas oo dhan way diideen”, hase yeeshee taliyuhu ma xusin gacmaha siyaasadeed ee uu sheegay kuwa ay yihiin.

Afarta qof ee shicibka ah waxa lagu dawaynayaa cusbataalka guud ee Burco, laakiin xubnaha bilayska ah ee dhaawacmay wuu fudud yahay dhaawacoodu.

Maayarka Burco, Maxamed Diiriye Xayd ayaa isna dhiniciisa wax ka waydiinay sida wax u dhaceen iyo sababta mudaharaadka keentay, wuxuuna ugu horayn yidhi “Iyadoo ay gobolka ka jirto abaar aad xumi ayey shirkadda qaadkuna dadweynihii iidkii ku bilowday inay qaadka qaali garayso oo ka dhigto 35,000---40,000 shillin Somali ah, taasina waxay keentay in lagu mudaharaado qaadka qaaliga ah, ilaa abaaro 10:00 subaxnimo ayaa la bilaabay mudaharaadka oo la diiday in qaadku magaalada galo, ka dibna xagga hawdka ayaa laga soo geliyey, dadka mudaharaadayey oo u badnaa dhalinyaro oo kumanaan gaadhayey oo dhalinyaradii Burco ciddi kama maqnayn waxa rasaas ku riday shaqaalaha qaadka oo hubkoodii sita, waxayna rasaataasi dhaawacday afar qof oo rayid ah, waxaana la soo qabqabtay ilaa 10 ka mid ah shaqaalaha qaadka ee rasaasta ridday ilaa haddana dabagal ayuu ciidan bilaysku ku jiraa”.

Maayarku isaga oo ka hadlaya kulan dhexmaray qolada qaadka waxa uu yidhi “Waxaanu la kulanay qoladii qaadka, kuwaas oo aanu isla garanay inaan qiimaha qaadka laga baddin 210,000 Sh.So, go’aankaana way qaateen”.

Wararka qaar waxay sheegeen in qaad la boobay, laakiin maayarka oo taa la waydiiyey waxa uu ku jawaabay “Wuu jiraa qaad la boobay, laakiin ma badna, dadka mudaharaadayey anigaba gaadhigayga ayuu laba muraayadood dhagax ku jebiyeen”.

Afarta qof ee shicibka ah ee mudaharaadkaa ku dhaawacmay waxay magacyadoodu kala yihiin:

Cabdi Cilmi Guuleed
Maxamed Daahir X. Nuur
Kayse Cabdi Diiriye
Cabdi Mire Jaamac .

Top


Baanka Somaliland Oo Ka Digay Lacag La Been Abuuray Oo Loo Ekaysiiyey Shilinka Somaliland

Baanka Somaliland, wuxuu dhowr jeer sanadihii 2001 iyo 2002-gii warbaahinta dalka iyo wargeysyadaba uga digey, Ilayadaha dawladda, Sariflayaasha banaan fadhiga ah, Sariflayaasha / Xawaaladlayaasha xafiisyada leh, Ganacsatada iyo Dadweynahaba, sidoo kale Shirkadaha gaarka ah inay jirto Lacag la been-abuuray oo loo soo ekaysiiyey Shilinka Somaliland, taas oo ka kooban noodhka (500) shanta boqol ah, Baanka Somaliland wakhtigaas isagoo kaashanaya Ciidamada Qaranka ee kala ah Ciidanka Militeriga iyo Booliska wuxuu sameeyey Baro-kantarool oo ay ka hawlgaleen Ciidamadu si looga horjoogsado in lacagahaas been-abuurka ah la soo geliyo dalka, Tallaabadaas oo ilaa xad guul keentay inkasta oo hawgalkaas uu ku baxay kharash farabadan oo aanu baanku qaadi karin.

Haddaba, waxa jirta beryahan dambe in lacagta Been-abuurka ah ee kor ku xusan iyo sida wararku sheegayaan daabacaad kale oo lagu soo kordhiyey oo hadba tiro yar oo tijaabo u muuqata la soo gelinayo dalka gaar ahaan gobolka Togdheer, iyadoo loo soo dhiibayo dad u dhashay dalkeena kuwaas oo lagu hunguri gelinayo faa’iidada loo dulsaarayo, arrintaas oo ah nasiib darro in qaar idinka mid ah loo adeegsado duminta qarankooda. Tan kale, lacagahaas been-abuurka ah dadka soo daabacday waxay ka faa’iidaysanayaan foowdada ka taagan war-wareega lacagaheena suuqyada dalka, taas oo ah in lacagaha saxa ah si sahlan loogu dhex-dari karo lacagaha been-abuurka ah, maxaa yeelay dadkeennu lacagta ay qabsanayaan iskama hubiyaan xataa ma tiriyaan cadadkeeda ee sida qofka sita u soo xidhay ayey ku qaataan. Lacagaha been-abuurka ah ee loo soo ekaysiiyey lacagta dalkeenna sumadda iyo Lamabarada lagu soo sameeyey lama wada garan karo ee noodhadhka la qabto uunbaa lambarkooda aynu garan karnaa, sida sawirada halkan ka muuqda iyo Noodhadh kale oo iyana la qabtay oo sita Lambarada ah AG515771.

Hadaba, waxa lacagahaas Been-Abuurka ah layskaga ilaalin karaa tilmaamaha hoos ku muujisan:

Lacagta Been-Abuurka ahi waa noodhadh cusub oo hadda aad moodid in daabacaada ka soo baxeen waxayna wadataa sanadka daabacaada 1996
Lacagtaa been-abuurka ah ee loo soo ekaysiiyey Shillinka Somaliland wuxuu midabkeedu naqshadeed yahay (cawl) caddaan xigeen ah marka la barbar dhigo lacagta asalka ah ee dalka.

Lacagta been-abuurka ahi ma laha wax miisaan ah ee waa xaashi marka aad faraha ku xoqdid ama si dhaba ugu qabatid.

Ugu dambeyntii, waxaanu Ummadda u sheegaynaa in lacagahaas Been-Abuurka ah lagaga badbaadi karo oo qudha iyadoo lala macaamilo Laamaha Baanka oo Xisaabaad laga furto wixii lacag ahna lagu soo xareeyo Baanka si loo hubiyo, isla markaanna hantideenuna u badbaado, arrintaas oo aan loo dheg-jalaqsiin, waxaana leenahay markale, haddii aydin raaci waydaan nidaamka isla markaanna u hogaansami waydaan Shuruucda dalka loo dejiyey waxay hantidiinu lacageed isu rogidoontaa mid faalso ah oo aan ciddina idinka gargaari doonin.

Sidaa darteed, waxa la farayaa dhammaan ciidamada qaranka oo kala ah Militeriga, Booliska, C.I.D iyo Nabadsugida inay xooraan joogta ah ku hayaan meelaha la filayo in lacgagahaas Been-Abuurka ah dalkeena laga soo gelinayo sidoo kale, waa in aad baadhis adag ku samaysaan Gaadiidka sida Badeecooyinka ka imanaya Gobolada Puntland iyo gobolada kale ee Somaliya oo lagu soo qarin karo lacagahaas, waxa kale oo lacagahaas gaadiidka sidaa uu soo marin karaa dhinaca Degmooyinka Killinka 5aad ee Itoobiya ee xuduuda taxan. Tan kale, wax ka qabashada arrintan waxa xilka koowaad ka saaran yahay Bulshoweynta Somaliland oo iyagu uga dhuun-daloola ciidamada si sahlana u ogaan kara dadka soo geliyey iyo meelaha lagu qarinayo waxaanna ku waajib ah inay gacan buuxda siiyaan ciidamada iyo Masuuliyiinta gobollada iyo degmooyinka si aafadaas la doonayo in dalkeenna qarannimadiisa lagu tirtiro looga hortago.

Ugu dambeyntii, waxaanu ugu digaynaa dadka Ganacsiga u tegaya Boosaaso iyo Gobollada kale ee Puntland inay ka soo qaataan wax lacag ah oo wadata sumada Shillinka Somaliland.

Top


Xiligan Iyo Duruufaha Burco
Warbixin –Wariye Ka Tirsan Haatuf

Burco (Haatuf): Iyadoo ay guud ahaan duruufta adag ee abaartu si weyn u saamaysay gobolada iyo degmooyinka bariga Somaliland ayey magaalada Burco oo ah gobolka Tgdheer saamaysay xaaladda abaartu, waxaana amaagaalada ka dhacaysa dabayl cas oo jiilaashin ah, sidoo kalena duruufaha abaarta ee magaalada ka muuqda waxa ka mid ah caano la’aan iyo maceeshadda oo qaali noqotay, taasina ay nolosha ka dhigtay mid adag, iyadoo ay dhinaca kalena jiraan duruufo maamul.

Liibaan Maaweel Shire oo Haatuf ka tirsan ayaa dhowaan booqday magaalada Burco, kana soo laabtay toddobaadkan, ka dibna warbixin nooga diyaariyey duruufaha nololeed, xaaladda maamul iyo dhaqdhaqaaqyada ijtimaaciga ah ee hadda ka jira magaalada, waana tan warbixintii:

“Sida la ogyahay guud ahaan gobolada bariga Somaliland waxa ka jira abaaro si weyn u saameeyey nolosha dadka iyo duunyada, duruufta caynkaas ahina meelaha ay saamaysay waxa ka mid ah magaalada Burco, waxaana magaalada ka dhacaysa dabayl siigo cas wadata, isla markaana magaalada waxa laga waayey caano xoolaad, maceeshaduna waxa noqotay qaali.

Inta badan ganacsatada waaweyn ee fadhiisimada ganacsi ku leh magaalada Burco waxay wax kala soo degaan ama ka dhoofsadaan dekedda Berbera, kuwaas oo badeecadaha ugu badan ee ay debedda ka soo dejiyaan yihiin raashinka, qalabka dhismaha IWM., kana dhoofiya xoolaha nool. Laakiin dhaqdhaqaaq badan oo ganacsiga Burco ah ayaa ku xidhan dhinaca Somaliya, ha noqoto Puntlabd ama ha noqoto gobolada shishe ee Koonfurta Somaliya.

Inta badan badeecadaha bagaashku waxay ka soo degaan dekedda Boosaaso, sidoo kale noocyo khudaar ah oo ay ka mid yihiin Muuska, Cambaha, Liinta IWM ayaa laga keenaa dhinaca Muqdisho iyo gobolada kale ee koonfurta Somaliya, badeecadaha laga keeno Somaliyana waxay u sii gudbaan ilaa dhinaca gobolada galbeedka Somaliland.

Boqolka (100$-dolar) ee lacagta Maraykanka waxa lagu sarifaa 1.900,000 oo shillin Somali ah ama lacagta giinbaarta loo yaqaan, iyadoo lacagta shillinka Somaliga si weyn looga isticmaalo magaalada Burco. Sidoo kale 100 shillin ee Somalilandka ah waxa lagu sarifaa 250 Shillinka Somaliga ah.

Magaalada Burco oo ahayd sayladda ugu weyn ee ganacsiga xoolaha nool ayey dhaqdhaqaaqeeda ganacsi iyo nololeed si weyn u saamaysay xayiraadda ganacsiga xooluhu, taasina waxay keentay hoos u dhac weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah oo saamaysay dhinaca dakhli soo saarka dawladda iyo xaaladda dhaqaale ee dadweynahaba.

Marka la eego saamaynta ay xaaladda abaartu ku yeelatay dadka nawaaxiga magaalada Burco ama guud ahaan dadka gobolka Togdheer waxa taagan ama soo yeedhaysa qaylo-dhaan xoog leh oo ka dayrinaysa xaaladda dadka iyo duunyada jiidahaa ku dhaqan, waxayna wararku fartu ku fiiqayaan xaalad walaac leh oo taagan ama soo fool leh, iyadoo ay dadka xaaladda indha-indheeyey ay abaarta jirta xaaladeeda ku tilmaameen mid leh sansaantii dabadheer.

Maamulka gobolka oo ka wakiil ah dawladda dhexe iyo maamulka golaha degaanka ayaa laf-dhabar u ah maamulka Burco, kuwaas oo ay inta badan hoos yimaadaan hawlaha maamul iyo adeeg, iyadoo ay siyaasadda maamul ee dawladda hoose dejiyaan ama gacanta ku hayaan 21-kii xubnood ee dabayaaqadii sannadkii hore laga doortay magaalada Burco, waxaana jira guddi hoosaadyo kala qaabilsan hawlo kala duwan, kuwaas oo ay tiradoodu tahay ilaa afar guddi oo kala qaabilsan arimaha dhaqaalaha, nabadgelyada, bulshada iyo dhulka, waxaana hawlaha guddiyadaa iyo guud ahaan maamulka dawladda hooseba kulmiya maayarka iyo maayar-xigeenka magaalada.

Inkasta oo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo adeeg ama wax qabad oo ay wadaan maamulka dawladda hoose, hadana cabasho iyo dhaliil maamul oo ku wajahan dhinaca maamulka dawladda hoose ayaa ka soo yeedhaya dhinaca dadweynaha.

Masalan waxyaalaha la dhaliilayo waxa ka mid ah dhinaca nadaafadda, iyadoo tusaale loo soo qaato Kawaanka xoolaha lagu qalo (Xero-dhiigta), taas oo ay xaaladeeda nadaafadeed aad u liidato.

“Hooyo bal eeg meesha aanu wax ku qalno saxa-xumadeeda”, sidaa waxa tidhi Cibaado Nadiif oo ka mid ah hooyooyinka ka xoogsada goobtaa.
Cilmi Diiriye ayaa isna yidhi “Wadooyinkii ayaa dib u xidhmay, hadana Khamiis walba waxay wadaan olole nadaafadeed, maayarkuna markii uu maayar-xigeenka u ahaa Ina Waqaf ayuu si fiican u shaqayn jiray, balse waxaan u malaynayaa inay kuwan golaha degaanku majarihii ka habaabiyeen”.

Waxa kale oo ay dadku dhaliilayaan sida loo maamulo dakhliga dawladda hoose, iyadoo ay dadka qaar leeyihiin lacagta cashuurta ah dadka waxba looguma qabto. “Lacag baa dadka masaakiinta ah laga soo ururiyaa, waxna looguma qabto” sidaana waxa yidhi ninka magaciisa la yidhaahdo Mukhtaar Ismaaciil Maxamed. Laakiin dhaliilaha loo jeedinayo ka sokow waxay dawladda qabataa adeegyo kala duwan, waxayna dhaqaale ku bixisaa hawlaha dhinaca nabadgelyada.

Dhinaca waxbarashada marka la eego ilaa saddex dugsi oo kuwo sare ah ayaa magaalada Burco ku yaal, kuwaas oo kala ah Farsamada gacanta, SH. Cismaan Nuur iyo Sh. Bashiir, laakiin saddexdaa dugsiba hadda way burbursan yihiin oo mid-na ma shaqeeyo, tusaale ahaan ardaydii wax ku barran jirtay dugsiga Sh. Bashiir ee dhowaan la gubay waxay hadda ku meelgaadh ahaan wax ugu dhigtaan dugsiga Machadka la yidhaahdo. Iyadoo aan weli la dayactirin dugsigii la gubay ee Sh. Bashiir.

“Markii la gubay dugsigii aanu wax ku barran jirnay dawladdu waxay sheegtay in dhakhso loo dhisi doono, markaa maxay u dhisi la’dahay ama talaabo uga qaadi la’dahay dadkii gubay”, sidaa waxa yidhi Ismaaciil Cumar Faarax oo ka mid ah ardaydii dugsiga Sh. Bashiir.

Sidoo kale waxa magaalada ka furan ilaa 7 dugsi oo H/dhexe ah, balse waxa dugsiyada burbursan ee aan ilaa hadda ka soo kaban burburkii dagaalada ka mid ah dugsiga hoose ee la yidhaahdo Siyaad; dugsigaas oo ay kaamboolkiisii hadda ku jiraan dad gaar ahi oo ay si gaar ah ugu shaqaystaan.

Bilayska oo ah hawl-bawlaha dhinaca nabadgelyada waxa haysta duruufo badan oo marka dhinac laga eego laba-dibleeyey itaalkooda adeeg, waxayna dhibaatooyinka ugu badani ka haystaan dhinacyada isgaadhsiinta iyo gaadiidka, laakiin intaas oo qudha ma aha duruufaha haystaa ee waxa jira duruufo dhaqaale, dirays la’aan iyo waxyaalo kale.

Cusbataalka guud iyo saddex xanaano (MCH) ayaa ku yaal magaalada Burco, waxaana Cusbataalka guud ee Burco gacanta ku haysay hayadda samafalka ee COOPI, laakiin hayaddaasi waxay magaalada ka guurtay, ka dib markii uu dhacay dilkii maamulihii dugsiga sare ee Sheekh iyo afadiisii, taasina waxay naafo weyn u geysatay xaaladda Cusbataalka iyo guud ahaan adeegyada caafimaad ee magaalada.

Inta badan biyaha nadiifta ah ee magaaladu cabto waxay ka yimaadaan saddex oo ay mid ka mid ah dhowaan qodday hayadda HAPITATE, mana jiraan cabashooyin dhinaca biyaha ahi”.

Top


Reer Ceerigaabo Oo Go’aansaday Inay U Gurmadaan Dadka Abaartu K Habsatay

Ceerigaabo (Haatuf): Hogaamiyayaasha kala duwan iyo ganacsatada reer Ceerigaabo ayaa shalay markii u horaysay go’aansaday inay gurmad degdeg ah la gaadhaan meelaha ugu darran gobolka Sanaag ee abaartu ku habsatay, waxayna sidaa ku gaadheen shir ka dhacay xarunta dawladda hoose ee Ceerigaabo.

Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen madaxda maamulka, ganacsato, madax-dhaqameedyo, culimo’udiin iyo wax garadka kale ee reer Ceerigaabo, waxa lagu gorfeeyey dhibaatada ee abaarta gobolka ka taagan, waxaana lagu go’aansaday in ugu horayn wax loola cararo meelaha biyo la’aanta ba’ani ka jirno.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaaga C/rashiid Xasan Cabsiiye ayaa ku soo waramay inuu kulankaa qabanqaabiyey kusimaha maayarka Ceerigaabo, oo ah maayar-xigeenka, Saalax X. Xasan Axmed, wuxuuna Saalax isaga oo ugu horayn ka hadlaya ujeedada shirka yidhi “Sida aad ka war qabtaan mudooyinkan dambe waxa lagu mashquulsan yahay sidii dadka dhibaatada abaartu haysato loo taakulayn lahaa, markaa waxa muhim nala noqotay inay dadka reer Ceerigaabo bilaabaan hawlaha gargaarka dadka abaaruhu hayaan, maalmaha soo socdana aynu biyo gaadhsiino degaamada ugu darran gobolka dhinaca harraadka”.

Waxa kale oo iyaguna shirkaa ka hdalay Maxamud Dirir iyo Yaasiin Ducaale oo ka mid ah guddi ay degmada Ceerigaabo u magacawday hawlaha gurmadka abaaraha, kuwaas oo soo jeediyey in dadka lagu wacyi geliyo sidii ay u bixin lahaayeen qaadhaanka iyo gaadiidka lagu taakulaynayo dadka abaartu tabaalaysay.

Caaqil C/kariin X. Ducaale ayaa isna ka mid ahaa raggii kulankaa ka hadlay, wuxuuna ugu horayn cambaareeyey qiimayn dhinaca abaarta ah oo ay soo saareen qaar ka mid ah hayadaha samafalka caalamiga ah, taas oo uu sheegay inay degaamada gobolka sanaag u kala qaybiyeen qaar Somaliland ah iyo qaar Puntland ah, sidoo kale waxa uu sheegay inaanay qiimayntooda ku darrin degaamo ay abaartu si xun uga jirto. Laakiin Caaqil C/kariin isaga oo la hadlay reer Ceerigaabo waxa uu yidhi “Waar dad illaahay ka baqaya oo habeen iyo maalin-ba shaqeeya guddi inooga dhiga, maanta looma baahna nin dadka kala qoloqoleeya ama kharashka badiya”.

Waxa kale oo isna kulanka ka hadlay Caaqil Xuseen Xasan Cali, ganacsade Axmed Shire Ismaaciil, ganacsade Calanle iyo Axmed Xuseen, waxayna xubnahani ku taliyeen ilaa laba qoddob oo kala ah:
In dadka reer Ceerigaabo dhul-daaqsimeedka ama dooxooyinka ay ceshiimeeyaan ay wax ka siiyaan oo u ogolaadaan dadka ku soo hayaamay ee uu xaalufku dabada ka waddo iyo inuu maamulku dawladdu xil iska saaro wax ka qabashada fusuqa iyo xumaanta oo ay sheegeen inay Ceerigaabo ku soo badamayaan, taas oo bay yidhaahdeen ay cadho illaahay ka iman karto.

Kusimaha badhasaabka sanaag C/casiis Xasan Siciid ayaa isna munaasibadaa ka hadlay, wuxuuna ugu horayn sharax ka bixiyey guddiga abaaraha iyo waxa ay hawlahoodu yihiin, isaga oo sheegay inay yihiin guddi farsamo ee aanay ahayn guddi dhaqaale. Waxa kale oo uu C/casiis sheegay in qiimaynta hayadaha uu Caaqil C/kariin carrabka ku dhuftay ay guddiga abaaraha gobolka sanaag isla garteen inay tahay mid qaldan, sidaa darteedna aan la raacin tilmaamaha ay hayadahaasi bixiyeen ee u qaybiyeen degaamada gobolka, wuxuuna badhasaab-xigeenku hadalkiisa ku soo gunaanaday “Guddiga abaaraha gobolku waxay diyaariyeen xafiis, 15 booyadood oo biyo ah iyo gaadiid loogu talo galay in gurmadka lagu sameeyo”.

Ugu dambayn waxa uu shirku isla qaatay in qiimaynta dhinaca abaaraha ee ay hayadaha samafalka caalamiga ah qaarkood sameeyeen ay tahay mid qaldan, waxayna go’aansadeen Jimcaha maanta dadweynaha reer Ceerigaabo lagala hadlo meel fagaare ah iyo hawlaha gurmadka abaaraha si degdeg ah loo bilaabo.

Top


Cismaan Kaluun Iyo Sababta Dhabta Ah Ee Uu Isaga Casilay Maamulka Kooxda Cabdiqaasin

Muqdisho (Haatuf): Cismaan Jaamac Cali (Cismaan Kaluun) ayaa shalay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inuu iska casilay jagadii ra’iisal-wasaaranimada ee uu ka hayey maamulka kooxda C/qaasin, istiqaaladaas oo uu Cismaan Kaluun u gud-biyey C/qaasin waxa la sheegay inuu ka aqbalay.

Warar dhinaca Muqdisho ka soo baxay ayaa sheegay inay istiqaaladda Cismaan Jaamac sababtay khilaaf hadda inmuddo ah soo jiitamayey oo u dhexeeyey Cismaan kaluun iyo C/qaasin, laakiin Cismaan Kaluun waraysi uu shalay siiyey idaacadda BBC-da iyo qaar ka tirsan saxaafadda Muqdisho wuu beeniyey inuu khilaafkaasi jiray, isaga oo ku dacwiyey inuu u madax banaanayo oo uu ka shaqaynayo wax uu ku tilmaamay dib-uheshiisiinta Soomaaliyeed oo uu u tafaxaydanayo.

Rag xog-ogaal u ah arimaha sababay iscasilaadda Cismaan Jaamac oo ay qaarkood masuuliyado kaga magacaaban yihiin maamulka kooxda C/qaasin ee isku magacowda dawladda ku meelgaadhka ah ayaa tafaasiil ka bixiyey asbaabta uu Cismaan Jaamac isu casilay, waxayna tilmaameen dhawr sababood.

Sida uu sheegay nin magaciisa qariyey oo ka mid ah ragga mansabyada kaga magacaaban maamulka kooxda Carta Cismaan kaluun waxa uu ku magacownaa ra’iisalwasaaraha ku meelgaadhka ah, laakiin waxa uu indhowaale naawilayey inuu C/qaasin ka dhigto ra’iisal-wasaarihiisa rasmiga ah, taasna sida la sheegay C/qaasin diyaar uma ahayn, iyadoo ay wararku sheegeen inuu jagadan la doonayey nin ka soo jeeda qabiilka ay ka soo jeedaan raggii Cismaan Jaamac uga horeeyey jagadan.

Ammuurta labaad ee la sheegey inay isku jiidheen Cismaan Kaluun iyo C/qaasin waxay tahay iyadoo uu Cismaan Kaluun u ololaynayey sidii ay kooxda uu ka tirsan yahay ee uu C/qaasin horjoogaha ka yahay ugu noqon lahayd shirka Nayroobi oo ay hore uga soo cadhoodeen, kana soo baxeen, laakiin rayi’ga caynkaas ah ay saaxiibadiisa la kooxda ee uu C/qaasin ka mid yahay ganafka ku dhufteen.

Ta kale markii ay isqabteen C/qaasin iyo kooxdii kale ee ay ka mid ahaayeen ra’iisal-wasaarihiisii hore Xasan Abshir iyo ninkii ra’iisal-baarlamaanka u ahaa ee Cabdalle Deerow Isaaq ninka la yidhaahdo Cismaan Kaluun waxa uu dedaal badan u galay sidii uu saaxiibadii u heshiisiin lahaa, ka dibna ay shirka uga wada qayb geli lahaayeen, balse taas kuma uu guulaysan, laakiin dedaalkiisa caynkaas ah intaa kuma joojin ee waxa uu dedaal badan oo kale u galay sidii uu saaxiibadiisa C/qaasin ka mid yahay ugu qancin lahaa inay dib ugu noqdaan shirka Nayroobi, isaga oo sheegay inaan dawlad aan jirin waqtiga la iskaga lumin, hase yeeshee Cismaan markii uu ku hungoobay dedaaladiisa caynkaas ah, isla markaana uu ogaaday inaanu C/qaasin nafsad wanaagsan u hayn ayuu aakhirkii go’aansaday inuu iska casilo xilkii uu sida ku meelgaadhka ah ugaga magacownaa maamulka kooxda C/qaasin, isaga oo ku dacwiyey inuu ka shaqayn doono dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo baadi-goobka dawlad Soomaali-weyn.

Top


Xaflad Lagu Soo Geba-Gabeeyay Tartankii Ciyaaraha Koobka Ramadaan Ee Boorama

Boorama (Haatuf) – Xaflad lagu soo geba-gabeeyay tartanka kubadda koleyga ee koobka Ramadaanta ayaa shalay lagu qabtay garoonka kubadda koleyga ee Boorama.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorama, Maxamed Cumar, xafladdan oo ay soo abaabuleen ururka dhallinyarada ee lagu magacaabo SAYS, waxaa abaalmarino lagu gudoonsiiyay qaar ka mid ah kooxaha kubadda koleyga ee Boorama, waxaana xafladaas ka soo qayb-galay Maayarka Boorama, Culimaa’udiin, kooxaha ciyaaraha, madax-dhaqameedyo, saraakiisha ciidamada iyo marti-sharaf kale.

Maayarka Boorama oo hadal u jeediyay kooxaha ciyaartoyda reer Boorama, wuxuuna sheegay in ay ciyaarahaasi ku dhammaadeen si nabadgelyo ah, waxa kale oo uu maayarku sheegay inuu kooxaha ciyaartoyda ku dedaali doono sidii uu garoomada ugu hagaajin lahaa.

Sheekh Muuse Goodaad oo ka tirsan odayaasha golaha Guurtida, ayaa isna munaasibaddaa ka hadlay, wuxuuna xusuusiyay dhallinyaradaa falalka murigada leh ee beryahan dambe laga sheego dhallinyarada ama kooxaha reer Boorama, wuxuuna kula taliyay inay bahda ciyaaruhu soo saaraan kooxo ciyaaryahano ah oo wanaagsan oo aan is dillin, si looga ogaado caalamka heerka wanaagsan ee ciyaaraha Boorama.

Gudoomiyaha ururka Dhallinyarada ee SAYS, C/risaaq Faarax Xasan (Barako), ayaa isna munaasibaddaa ka jeediyay warbixin ku saabsan qaabkii loo abaabulay tartankii ciyaaraha koobka Ramadaanta oo koobabka la kala siiyay kooxda kubadda koleyga ee Ciidanka Qaranka iyo kooxda kubadda cagta ee Saylac, isla markaana Gudoomiyaha ururka dhallinyarada ee SAYS, waxa uu ka waramay heerarkii kala duwanaa ee uu tartankani soo maray, isagoo tilmaamay in ay dhallinyarada ciyaaraha ee reer Boorama dhibaatooyin ka haystaan dhinaca garoomada ciyaaraha, taas oo uu ku tilmaamay in ay inta badan keento dagaalada dhexmara kooxaha ciyaartoyda, wuxuuna ka codsaday shacbiga iyo dawladdaba in ay gacan ka siiyaan sidii ay ciyaaraha gobolku u taabo geli lahaayeen.

Top


Aqoon-Isweydaarsi Lagaga Digayo Halista AIDS-ka Oo Lagu Soo Geba-Gabeeyay Burco

Burco (Haatuf) – Aqoon-isweydaarsi soconayay muddo lix maalmood ah oo lagaga hadlayay khatarta uu leeyahay HIV AIDS ayaa xalay lagu soo geba-gabeeyay magaalada Burco, waxaana aqoon-isweydaarsigaas meel-mariyay urur dhallinyaro oo la yidhaa SODOHACO, iyadoo xafladdan lagu qabtay Machadka luqadaha ee Ramadaan.

Xafladdan waxa ka soo qayb-galay marti sharaf badan, waxaana ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha ururkan dhallinyarada ah, Maxamuud Saleebaan, wuxuuna yidhi: “Waxaanu ururkan u samaynay in aanu ururino dhallinyarada ku dayacan gidaarrada, uguna digno waxyaabaha dhaqan-xumada keenaya, isla markaana aanu geyno iskuulo ay wax ka bartaan, waxaanuna ku jirnaa dedaal badan.”

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Axmed Aadan Yuusuf, waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Axmed Yuusuf oo ah hawl-wadeen ka socday hay’adda ICD oo aqoon-isweydaarsigan maalgelisay, wuxuuna Axmed sheegay in cudurka HIV AIDS faro baas ku hayo caalamka soo koraya, isagoo sheegay in faafitaankiisa ay keenaan waxyaabaha dhaqan-xumada ah, taas darteedna wuxuu dhallinyarada uga digay in ay ka feejignaadaan waxyaabaha dhaqan-xumada ah, isagoo tilmaamay in halistiisa lagaga badbaadi karo ku dhaqanka diinta Islaamka iyo dhaqamada wanaagsan.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Maamulaha Dugsiga Ramadaan, Maxamuud Cismaan Maxamed oo tilmaamo ka bixiyay muhiimada uu aqoon-isweydaarsigani lahaa iyo dhaqanka wanaagsan ee looga baahan yahay da’ yarta soo koreysa.

Top


Ilaaliyihii Gaarka Ahaa Ee Usaama Oo La Xukumay

Baarliin (W.Wararka) Maxakamad ku taala Dalka Jarmalka ayaa Afar Sanadood oo xadhiga ku xukuntay Shaadi Cabdala, oo ahaa Gaadh hayihii Usaama Binu Laadin, iyadoo lagu eedeeyay inu qayb ka qaatay weeraro argagixiso ah o ka dhan ah Yuhuuda. Shaadi Cabdala oo ay da’diisu tahay 27jir, waxa uu qirtay inuu ahaa Gaadh hayaha gaarka ah ee Usaama, balse xukunka khafiifka ah ee Maxkamada waxa sabab looga dhigay isagoo Ciidamada sirta ee Jarmalaka siiyay macluumaad faro badan oo ku saabsan saaxiibadiisa Alqaa’iida.

Dhinaca kale Dawladda Yemen ayaa sheegtay in ay meel caasimaddeeda Sanca ku dhow ka soo qabatay oo soo xidhay nin sare oo ka tirsan shabakadda Al-qaacidda. Warku wuxuu sheegayaa in Maxamed Xamdi Al-Ahdal ay dhici karto in uu door muhiim ah ka ciyaaray qarxintii markabkii Mareykanka ee USS Cole saddex sano ka hor iyo weliba markabkii shidaalka ee Faransiiska ee sidoo kale lagu weeraray meel ka baxsan xeebta dalka Yemen. Sarkaal sare oo miltari oo Mareykan ah ayaa ku tilmaamay soo qabashada ninkaasi tallaabo wanaagsan, laakiin waxa uu intaasi ku daray in ninkan la soo qabtay ee la tuhunsan yahay aan loo arkaynin xubin ka tirsan maamulka sare ee Al-qaacidda.

Magaalada Washington gudaheeda, saraakiisha gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa u arkaya xadhigga ninkan la soo qabtay in ay tahay guul u soo hoyatay dowladda Yemen iyo weliba calaamad muujinaysa in dawladda Yemen ay ka daacad tahay dadaalkeeda ay ku burburinayso shabakadda Al-qaacidda.

Nin ka mid ah saraakiisha xagga difaaca ee Mareykanka ayaa sheegay in Maxamed Xamdi Al-ahdal loo arkayo in uu ku jiray darajada qorsheeyeyaasha hawlaha Al-qaacidda ee aanu ka mid ahayn ragga sar-sare.

Sarkaalkani waxa uu sheegay in soo qabashada ninkani ay muhiimad leedahay gaar ahaanna in uu ahaa kuwa ka hawlgala Yemen gudaheeda iyo gacanka carbeed, laakiinse aanu ka mid ahayn ragga Al-qaacidda istraatiijiyada u sameeya amaba xubin ka ahayn raggeeda sar-sare.
Waxaa kaloo la sheegay in ninkan cusub ee la soo qabtay uu door muhiim ah ka soo ciyaaray weerarkii lagu qaaday markabkii Mareykanka ee USS Cole ee dekedda Cadan saddex sano ka hor, halkaasoo ay ku dhinteen 17 nin oo bad-mareennada Mareykanka ka tirsan, iyo weliba sidoo kale markabkii shidaalka ee Faransiiska ee dibadda xeebta Yemen lagu weeraray sanadkii hore.

Mid ka mid ah saraakiisha sir-doonka Mareykanka ayaa sheegay in haddii lagu caddeeyo ninkan la soo qabtay in uu ku lug lahaa weerarkii dambe ay taasi noqonayso horumar macno leh.

Top


Bush Oo Si Lama Filaan Ah Booqasho Qarsoodi Ah Ugu Tegay Ciraaq

Baqdaad (W.Wararka) Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Bush ayaa booqasho qarsoodi ah oo lama filaan ah maalintii shalay ku tagay Caasimada Dalka Ciraaq ee Baqdaad, si uu sare ugu qaado niyada iyo mooraalka ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq, ka dib markii ay guul darooyin soo gaadheen Ciidamada maraykanka, taasoo keentay inay niyad jabaan.

Booqashada Bush oo aan hore loo sii sheegin waxay ku timid si sir ah, taasoo ay u sabab tahay cabsi laga qabay dhinaca amaankiisa, isaga oo ka anbabaxay beertiisa uu ku leeyahay Gobalka Texas, isagoo shalayna gaadhay Baqdaad, waxaanu ku sugnaa halkaasi muddo Laba Saacadood iyo badh ah.

Khudbad gaaban oo uu Madaxwaynuhu u jeediyay askartiisa waxa uga mahad naqay hawsha ay hayaan “ Waxaan idiinka sidaa dhambaal Shacbiga Maraykanka waananu idiinku mahad naqaynaa hawsha aad haysaan, waanan idin daba taaganahay” ayuu yidhi Bush.

Dhinaca kale Pentagonka ayaa sheegey in ciidamadii hore u joogey Ciraaq lagu soo dari doono ilaa 3,000 oo ciidamo Mariines ah oo dheeraad ah.

Bishan bilowgeedii waxa xarunta Miletriga Mareykanka laga hogaamiyo ee Pentagonku ay daaha ka qaadey, qorshe weyn oo boqollaal Kun oo ciidamo cusub loogu dirayo Ciraaq, kuwaas oo lagu bedelayo ciidamada tiradoodu gaadheyso 125 Kun oo askari oo haatan halkaas jooga.

Haatan waxa lagu dhawaaqey in saddex urur oo kale oo ka tirsan ciidamada Mariineska ee Mareykanka lagu soo dari doono tiradii hore loo qorsheeyey in loo diro Ciraaq sanadka cusub ee soo socda.

Taas macnaheedu waxa uu ka dhigan yahay in ilaa saddex Kun oo askari oo kale lagu dari doono ciidanka Ciraaq u socda.

Laakiin saraakiisha Mareykanku waxa ay leeyihiin tirada ciidamada dheeraadka ah ee gargaarku intaas wey ka badan doontaa.

Sidaas oo ay tahay saraakiisha Mareykanka ayaa ciidamada dheeraadka ah ee loo dirayo Ciraaq aan wax ka soo qaadin oo ku sheegey iney tahay bedel yar oo lagu sameeyey qorshihii hore.

Waxa saraakiishu ay gaashaanka ku dhufteen in ciidamada la kordhiyey ee loo dirayo Ciraaq ay tahay natiijo ka dhalatey dib u qiimeyn lagu sameeyey xaaladda ammaanka ee Ciraaq, halkaas oo todobaadyadii ugu dambeeyey ay rabshadaha ka socda ay kor u sii kacayeen.

Ciidamado Mareykanka ee la kala wareejinayo iyadoo qaarna la geynayo Ciraaq kuwa kalena la daadgureyn doono afarta bilood ee u horeysa sanadka cusub, ayaa loo arkaa iney yihiin dhaqdhaqaaqii ugu weynaa ee lagu sameeyo ciidamo Mareykan ah oo noocooda ah tan iyo intii ka dambeysey dhammaadkii dagaalkii adduunka ee labaad.

Pentagonku marnaba meesha Kama ay saarin in ciidamada ka jooga Ciraaq tiradooda kor loo qaado, haddii xaaladda jirta ay sidaas u baahato.
Laakiin wakhtigan haatan la joogo waxa ay u muuqataa in ujeedadu ay tahay in markii la dhameeyo ciidamada la isku bedelayo, ka dib Mareykanku uu doonayo in ciidamo ka tiro yar kuwa haatan ka jooga Ciraaq ay halkaas ku hadhaan.

Top


Xaalada Maxaabiista Guwaantanaamo Oo Laga Dayriyey

London (W.Wararka) Xaakin ka mid ah kuwa ugu sarreeya dalka Britain ayaa Mareykanka ku cambaareeyey in uu boqollaal ruux uu Maxkamad la'aan ku xidhay Guantanamo Bay oo ku taalla jasiiradda Cuba.

Wuxuuna arrintaa ku tilmaamay caddaalad-burbur gurracan.

Lord Justice Steyn oo qaada dacwadaha Maxkamadda ugu sarreysa dalka Britain, kana tirsan aqalka Odayaasha, waxaa uu sheegay in dadka lagu tuhunsan yahay Al-Qaacida iyo Daleban si badheedh ah loogu hayo meel ka baxsan sharciga iyo maxkamadaha.

Hadal uu London ka jeediyey ayuu ku tilmaamay in waxa ka socda Guantanamo ay yihiin qaar aan lahayn xataa inta ugu yar ee si caddaalad ah dad loogu maxkamadayn karo.

Wuxuu ku tilmaamay in maxaabbiista ay joogaan meel aan sharci qaban, maxkamadi cid ka badbaadin Karin, go'aankuna uu gacanta ugu jiro kuwii adkaaday.

Lord-ku wuxuu sheegay in Mareykanku dembi u gefey sharciga, wuxuuna wasiirrada Biritishka kula dooday in ay cambaareeyaan go'aanka ah in xataa hal maxbuus lagu hayo xeradaasi.

Top


200 Oo Qof Oo Ku Dhintay Dooni Ku Qaraqantay Dalka Kongo

Kinshasa (W.Wararka) Masiibo ayaa ku habsatey dooni dad badani ka buuxaan oo socotay haro weyn oo ku Taal Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo.

Wakiil ka tirsan Hey'adda Samafalka Fransiiska ee Dhakhaatiirta aan soohdimaha lahayn ee Medicines Sans Frontiers oo ah hey'adda kaliya ee haatan joogta barta masiibadu ka dhacdey ayaa sheegey in ugu yaraam 118 qof meydkooda lagu soo gurey harada Mind dumbe, iyadoo ay boqolaal qof oo kalena la la’yahay.

Laakiin waxa suurtagal ah in dadka doonidaasi wax ku noqdey ay intaas ka badan yihiin iyadoo uu durba Wasiirka Caafimaadka ee Congo uu sheegay in dad ku dhow 200 oo qof laga soo saarey biyaha haraadaasi.

Burburka doonidaasi waxa uu galabnimadii Salaadada ka dhacey meel qiyaastii 400 oo KM dhinaca woqooyi ka xigta magaalada Kinshasa ee caasimadda u ah Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, laakiin xaalkeedu dhabta ah ee doonidaas weli ma kala cadda.

Madaama gobolka doontu ku qaraqantey uu caasimadda ka durgsanyahay isgaadhsiinta gaobolkaasina uu liito ayaa wararka doonidaasi ay hadda uun soo gaadhayaan caasimadda Kinshasa.

Ilaa iminka hal dhakhtar oo ka socda hey'adda Medicins Sans Frontiers iyo dadka aaggaas ku nool kaliya ayaa u gurmadey baadhista dadka weli nool ee saarnaa doonidaas.

Koox caafimaad oo gurmad ah oo u socota Harada doontu quustey ayaa ka baxaya Kinshasa.

Masuuliinta dalka Congo waxa ay masaa'ibka qabsadey doontaas ku eedeeyeen duufaanno roobab badan watey oo baryahan dalka ka da'ay, laakiin doonyaha ka shaqeeya Congo waxa ay caan ku yihiin in aan si wanaagsan loo daayactirin iyadoo mararka qaarna la saaro rakaab iyo xamuul ka badan intii loogu talagaley.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Haloo Guramado Dadka Abaartu Ku Habsatay

Marka hore Ururka Samafalka ee SOHA wuxuu leeyahay dadka reer Somaliland iyo kuwa muslimiinta ah meel ay joogaanba ciid wanaagsan, ilaahayna haynaga aqbalo soonkii Ramadaan ee aan gudanay. Waxaana habboon inagoo soomanayn bishii ramadaan oo xasuusan dareenka ay leedahay baahidu, inaan ka qayb qaadano gurmadka loo fidinayo dadka abbaaraha ku waxyeeloobay ee aan haysan waxay ku afuraan iyo farxad ay ku ciidaan.

Marka labaad sida dadka badankiisu ka warhayaan, Somaliland waxaa ka taagan abaar ba’an oo ku habsatay guud ahaan dalka Somaliland si gaar ah usii saamaysay.

gobolada bari ee dalka siday ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland oo caddaysay in saddexda gobol ee bariga ay ka dhacday masiibo dabiiciya, waxaana xukuumaddu ka codsatay bulshada caalamka inay caawimo deg deg ah la’ soo gaadhaan dadkaas abaartu wax yeelaysay, waxaa kaloo iyana ka dayriyey xaaladda ba’an ee ka taagan goboladaas hay’adaha aan dawliga ahayn ee Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka baxiya.

Dhawaan baaq ay soo saartay Wasiirka Amuuraha Dibadda ee Somaliland ayaa sheegtay in jawaabta ilaa hadda hay’adaha caalamku ka baxiyeen arrinta abbaaraha ay gaabis tahay. Waxaanay dhiirigelisay in loo gurmado dadkaas ay waxyeeladu kasoo gaadhay xaaladda abbaaraha.

Guddi madax bannaan oo maamusha caawimada gurmadka ah ayaa iyana dhawaan laga sameeyey gobolka Togdheer. Guddidan oo ka kooban dad caan ka ah gobolka oo isugu jira madax hore uga soo shaqaysay gobolka, culumaadiin, madax dhaqameed iyo aqoon yahaniinba waxay dhawaan baaq qaylo dhaan oo soo saareen ka dayriyeen xaaladda ba’an ee ka taagan gobolada bari iyagoo ku tilmaamay in goboladaas ay ku habsatay musiibo aadaminimo. Guddidani waxay ugu baaqeen bulshada caalamka in gurmad deg deg ah lala soo gaadho si loo bad baadiyo nolosha dadkaas ku waxyeeloobay abbaaraha. Waxaana jira xidhiidho badan oo guddida gurmadka abbaaruhu lasoo sameeyeen jaaliyadda reer Somaliland ee dibadaha.

Siday sheegeen madaxda xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha gargaarka Bini’aadaminimada ee (UN Office Co-ordination Humanitarian affairs OCHA) waxay tilmaameen in 90, 000 oo reer guuraa ahi ku sugan yihiin gobolada Bariga Somaliland noloshooduna ay halis ku jirto.

Ka dib markii ay heleen baaqyadaas qaylo dhaan ah ee is daba jooga ah ee ka imanaya waddankii hooyo ayaa xubno kamid ah jaaliyadda reer Somaliland ee deggan Waddanka Ingiriisku aasaaseen urur samafal oo cusub oo loogu magac daray Ururka gar-gaarka Aadaminimo ee Somaliland (Somaliland Humanitarian Agency) oo loo soo gaabinayo (SOHA).

Haddaba ururkan SOHA oo ujeedadiisu tahay inuu ka qayb qaato gurmadka deg degga ah ee loo fidinaayo dadkaas abbaaruhu ku habsadeen.  Waxa ujeedadiisa ugu weyni tahay sidii baaqyo iyo qaylo dhaan loogu diri lahaa bulshada caalamka iyo hay’adaha gargaarka baxsha.

Maamulka ururku SOHA wuxuu ka kooban yahay 7 xubnood oo isugu jira wiilal iyo Gabdho, waxaanu ururku leeyahay dastuur, qorshayaal, iyo qaab dhismeed dhamaystiran, waxaanu isu xilsaaray u gurmashada dadkaas tabaalaysan si mutadawacnimo iyo hor Ilaahay ah.

Maamulka SOHA wuxu sameeyey qorshe deg deg ah oo dhaqaale loogu ururinaayo dadkaas dhibaataysan. Waxaanu ururku ku talo jiraa in hawsha gurmadka loo kala horraysiiyo sida dhibaatadu ay u kala culus tahay, isla markaana ay u kala jilicsan yihiin degaamadu.

Ururka SOHA oo xaruntiisa weyni tahay magaalada London, wuxuu laamo iyo wakiillo ku yeelan doonaa gobolada Somaliland iyo wadamada dibadda, si bulshada reer Somaliland iyo ta caalamkuba isaga kaashadaan inay dadkaas tabaalaysani ay helaan gargaar deg deg ah.

Ururka SOHA wuxuu ugu mahad-naqayaa xukuumadda Somaliland oo 23.000 US dollars ugu deeqday dadka abbaartu wax yeelaysay.  Waxay kaloo ugu mahadnaqayaan ururka Kulanka Bulshada Rayidka ah oo ku deeqay Toban Kun oo Doollar ($10.000 US dollars) iyo beeralayda Gebilay oo iyana ku deeqay 300 oo jawaan oo raashin ah. Waxaa kale oo Ururku u mahad naqayaa xubno ka tirsan Jaaliyadda reer Somaliland eek u nool magaalada London oo iskood dhawaan ugu diray Shan boqol oo Doollar ($500 US dollars) dadkaa tabaalaysan.

Ururka SOHA wuxu wada shaqayn la bilaabay Guddiga Gurmada Abaaraha ee Gobolka ee Togdheer, waxaanu la shaqayn doonaa Guddi kasta oo ay samaystaan dadka deggan Gobalada Abaartu ku habsatay.

Ururka SOHA wuxu baaq u jeedinayaa jaaliyadaha reer Somaliland ee dibaddu inay ka qayb qaataan gurmadka deg deg ah ee loo fidinayo dadka iyo duunyada tabaalaysan. Waxaananu dhawaan soo saari doonaa baaqyo iyo warbixinno ku saabsan qaabka ugu habboon ee loo ururinaayo qaadhaanka loogu talogalay gurmadka gargaarka deg deg ah qofkastoo aadmi ahna waa u furantahay.

Ururka SOHA wuxu kaloo ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha aan dawliga ahayn ee Somaliland ay laban labaan caawimada ay u fidiyaan dadkaas ay ku habsatay musiibada dabiiciga ahi si loo bad badiyo naflayda dhibaataysan ee dad iyo duunyaba leh.

Ugu dambayn Ururka SOHA wuxu sida ugu dhakhsaha badan u soo bandhigi doonaa qorshihii uu ugu talo galay dhaqaale ururinta abaaraha.

Wixii su’aalo ah ee ku saabsan baaqan iyo arrimaha la xidhiidha gurmadka Abaaraha fadlan waxaad kala soo xidhiidhi kartaa:

1-Ibrahim X. Maxamuud Cali, London
Email address: Janosuge@aol.com
Tel: 07960698606
2-Ahmed Waqaf, London
Email address: waqaf@hotmail.com
Tel: 07949052332

Waa mahadsantihiin,

Ururka Somaliland Humaniterian Agency, London, UK

Top


Lama Maqal Wadaad Ka Duceeyey Xabaalo Gaalo Adiga Hortaa

Alle ayaa mahad leh, saban walba iyo xilli kasta ka yeelay in la helo culimo u tilmaamaya qofka baadida ah dariiq toosan, imisa Ibliis dilay oo ku nooladay sababtood, imisa ambaday oo ay toobiyaha toosan ku rideen, imisa ka hufeen islaamka waxaan ka mid aheyn, kana saafiyeeyeen waxay moodaan wanaag jaahiliintu.

Sida laga baahiyey warbaahinta gudaha iyo dibadaba waxa lagu qabtay xaflad diineed loogu ducaynayey Askartii kaga dhimatay Ingiriiska dagaakii 1aad iyo 2aad ee aduunk, laguna qabtay xabaalaha gaalada ee shacabka Hargeysa, ducadaas oo ay wada sameeyeen Baadari ka socda kiristanka iyo wadaad sheegtay in uu ka socdo islaamka, waxaanay ku wada duceeyeen iyaga oo wada hoostaagan astaanta macatabka e ka taagan xabaalaha gaalada dhexdooda.

Arrintaas oo naxdin iyo amakaak ku noqotay qof kasta oo islaamka oo maqlay una qaadan waayey inuu xafladaa ka qeyb galay nin wadaad isaama sheeganaya lana qeybsaday ducadii Baadarigii kiristanka, taas oo muujinaysa inuu wadaadku raali ka ahaa xafladan iyo ducada baadarigaba, taas oo noqotay arrin aan hore loo maqal.

Waxa kale oo kasii darnaatay markuu ku faanay wadaadkaasi inuu Baadariga u raacay xabaalaha, gaalada ku aasanna u soo duceeyey isaga oo ku andacoonaya waxa ku jira dad islaama.

Haddaba waxa isweydiin leh:

Ma banaantahay in la raaco Baadari adiga oo la fulinaya xaflad diineed?

Ma banaantahay in loo duceeyo gaalo dhimatay?

Ma banaantahay in meel lagu wada aaso gaalo iyo islaam?

Ma banaantahay dad islaama ayaa ku jira xabaalaha gaalada?

Jawaabtu waxay tahay:

Ma banaana in la raaco baadari, iyadoo lala fulinayo xaflad diineed, sida ku cad aayada 72aad suuratu furqaan, ee alla ku sifeeyey mu’miniinta in aanay ka xaadirin kana ag dhawaan baadilka (suurka), oo uu ku fasiray mujaahid iyo mufasiriin kale inay tahay ciiddaha gaalada, taasina waxay ka dhigan tahay adigoo qiraya inay diintoodu xaq tahay (isaga oo baryaya ciise) taasina waxay ka hor imanaysaa diinta islaamka.

Ma banaana in loo duceeyo gaalo dhimatay sida ku cad aayadaha suurada Tawba ee 108 iyo 113aad.

Ma banaana in meel lagu wada aaso gaalo iyo islaam, mana jirto sida uu wadaadkaasi ku andacooday dad muslimiin ah oo ku aasan xabaalaha gaalada, waxaana la yaab leh waxa kelidii ogeysiiyey maanta in dad lagula aasay gaalada 65-sanadood ka hor (Go'baan kuku dadaayee hadaad gama'sanaan weyday halawda garamo yaan la odhan waa feg xaajaduye)
Ma hadaad dalbatay dood in lagula galo soo caynin wakhtiga iyo goobtaba.

Sh-C/risaaq Maxamed Ciireed
Khaatibka Masaajidka Taqwa-Total Hargeysa.

Top


Ilaalinta Xuquuqda Waa Loo Simanyahay

Sida aynu wada ogsoonnahay dawladda Somaliland waxay soo saartay qaraar ay ku amrayso inay dadka ajanabiga ahi dalka kaga baxaan muddo Shan iyo afartan cisho gudahood ah, hadaba sababta bixitaanka dawladdu waxay ku sheegtay iyadoo amaanka ajanabiga la sugayo. Laakiin taas waxay keentay in meel lagaga dhaco amaanka dadka la saarayo tan iyo intii lagu dhawaaqay arrintan waxaad arkaysaa dadka masaakiinta ah oo si loola dhaqmayo iyadoo loo xujaysanayo isla go’aankan dawladdu soo saartay sida ay ku soo cabanayaan dadka ay arrintani khusayso. Maxamed Maxamuud Xuseen oo ah oday miskiina waxa uu ii sheegay in maalin suuqa dhexdiisa lagu waxyeeleeyey, alaab yar oo uu gacanta ku sitayna laga ja jabiyey waliba cida falkaa u geysatay waxa uu ku tilmaamay askar boolis ah. Waxa kale oo jira in tuugtu ay isaga badheedheen dadka suuqyada ee dawarsada ka dawarsada, iyagoo usii maraya isla go’aankan xataa hadaad u fiirsato waxaad maqlaysaa hanjabaad lagu hayo markasta.

Hadaba waxa isweydiin leh hadaynu ajanibga nabadgelyadooda ilaalinayno ma ajanibi kale ayeynu nabadgelyadooda burburinaa!. Mida kale ajanabiga amaankooda la sugayaa wa’ayo?

Kuwa amaankooda lagu tumanayaase wa’ayo?

Iyamaa ina xiga, sidayse inoogu kala xaq leeyihiin?

Jawaabta aan raaciyo markay noqoto xigtada dhabta ah inaga waxa ina xiga kuwa aynu diin iyo dirba wadaagno oo waliba masaakiin ah isla markaana jaar aynu nahay.

Laakiin marka si guud looga hadlayo labaduba waa inoo marti midna yaan waxyeelo loo gaysan dawladdu ciday saaraysana nabadgelyo ha ku saarto cida u joogaysaana nabadgelyo ha ku joogto hadii kale waxaan la mid noqon doonaa reer banu Israa’iil kooda sharafta lehna waa dhawri jireen kooda daciifka ahna waa cadaadin jireen, ayeynaan sidaa noqon hadii kale masaakiinta dawarsata waxyeeladooda cuqubaa ka dhalan.

Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Booshari)

Hargeysa.

Top


“Shakhsiga Ka Soo Horjeeda Mabaadii’da Maxamed Aadan Waa Mid U Xaglinaya Ninka Puntland Khasabka Ku Haysta”

C/Rshiid Ducaale Qambi

Aniga oo tixraacaya maqaal ku soo baxay wargeyska Haatuf cadadkiisii soo baxay 25/11/03 oo uu qoray xildhibaan Yaasiin Ismaaciil Cali, xildhibaankaas oo u jawaabayey waraysi uu isla wargeyska Haatuf siiyey ninka la yidhaahdo Maxamed Xaaji Aadan oo ah siyaasi reer Puntland ah, ahna shakhsi wax garad ah oo ciddii taqaan qaderin ku leh ayuu xildhibaankani si ba’an u dhaliilay afkaarta iyo aragtida Maxamed X. Aadan, taasina waxay igu keliftay inaan jawaab ka bixiyo.

Marka u horaysa xildhibaanka fekradiisa iyo aragtidiisa siyaasadeed uma arko inay ka turjumayso waaqica jira Somaliland.

Sida ay C/laahi Yuusuf uga go’an tahay inuu daadkii uu sheegay raaciyo Somaliland, iyadoo wax uu ugu hamranayaa aanay jirin hadii ay uu suuragelayso. Sidoo kale ma jirto colaad ay shacabka iyo dawladda Somaliland u hayaan dadweynaha Puntland, mana jirto faro gelin ay Somaliland ku samaysaa Puntland. Laakiin marka aan u noqdo dhinaca maamulka C/laahi Yuusuf waxaad ka warqabtaan inuu sheeganayo gobolo iyo dhulal ka tirsan Somaliland isaga oo leh isku qabiil ayaanu nahay, ciidamona ka abuuray meelahaa, isla markaana waxyeelo lama ilaawaan ah iyo caqabo ku haya midnimada ummadda Somaliland. Xildhibaan waxaad ogtahay inuu maamulka C/laahi Yuusuf si badheedh ah ugu weeraray madaxweynaha Somaliland isaga oo joogo degaankeena, taasina ay guud ahaan gef ku tahay Somaliland, masuuliyiinta Hartigana sharaf dhac ku ah. Qabiil ahaaniyo degaan ahaanba C/laahi Yuusuf waxa ka go’an Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle inay noqdaan meelo aanay nabadi ka jirin. Danta koowaad ee uu C/laahi Yuusuf taa ka leeyahayna waxa weeye inuu Dhul-bahante iyo Warsangeli ka helo ciidamo uu ku cabudhiyo Majeerteen. Qabqablahaasina hadii uu inoo danaynayo qabiil ahaan iyo degaan ahaanba fidmo inooma horseedeen. Yaasiin ahaan waxaad ogtahay inaanu maamulka C/laahi Yuusuf kuu qirsanayn inaad tahay xildhibaan dawladeed iyo mid qabiil toona.

Yaasiinow Maxamud Saleebaan iyo Majeerteen toona colaadin mayno, xasilooni darana ka abuuri mayno, una horseedi mayno ee doolaaladaada Ina Yuusuf Yey miyaanay ahayn wax laga ficiloodo, islawaynidiisa, damiciisa, xukun doonimadiisa iyo digtaytarnimadiisa, Puntland-se ma wuxuu madax ugu yahay si dimoqraadi ah, mise si diiniya.
Xildhibaan waxa iga su’aal ah hadii aynu nahay Hartiga Somaliland nabad maynoo hayaan deriskeena walaalaleheen ee uu horkacayo qabqablahaasi (Maamulkiisa).

Ma deris nabad ah baa, mise waa dhibaato ina kulaalaysa.
C/laahi Yuusuf waxa uu ku doodaa inuu xadkiisu yahay xad qabiil magaalada Gaalkacayo dhinaceeda koonfureed nabad iyo derisnimo midna kama rabo, wuxuuna isu yaqaan halyey qabiili ah, taas oo ah been uu isku qanciyey. Waayo hadii uu qabiili yahay muxuu horseedka ugu noqday fidmadii Siyaad Barre illeyn isba la qabiil ayuu ahaaye, miyaan been ahayn Hartinimo iyo qabiil-nimo ayaan difaac ugu jiraa, saw Awrtiisa uun ku kacsan maayo. Muxuuse C/laahi Yuusuf ka habeen sokeeyaa Jarles Tailer-kii Laybeeriya ee aaminsanaa inuu dadkiisa xasuuqo hadii aan loo aqoonsan madaxweyne-nimo , isaga oo deriskiisana colaad ku hayey.
Marka aynu ka nimaadno Somaliland inteeda kale miyaanay inteena siyaasiyiinta ah ee Dhulbahante iyo Warsangeli ee Somaliland aaminsan waajib ku ahayn inaynu la jihaadno maamulka C/laahi Yuusuf, isla markaana aynu taageerno oo hororkaa dadkiisa iyo dhulkeena ka nabad gelinaysa.

Yaasiinow deris isma hayno, carqaladna ku abuuri mayno ee maxaad uga soke dhici xikmadda iyo taageerada uu inoo hayo Maxamed X. Aadan. Hartiga Somaliland guud ahaan iyo cid gaar ah toona hadii aynu danaynayno Somaliland iyo qabiilnimadeenaba Maxamed X. Aadan inagama mudna inaynu jaraa’idka ku aflagaadayno ee waxay ahayd inaynu maal iyo muruq-ba taageerno, hadii ay dawladda Somaliland garab siiso, maba dhicine sidaad ka dareen qabto, wax tar bay reer Sool iyo sanaag bariba u ahaan lahayd, shakhsiga taa ka soo horjeeda ee degaankaa u dhashayna waxaan ku tilmaami karaa inuu yahay shakhsi u xaglinaya dhinaca hororka Puntland khasabka ku haysta.

Yaasiinow, Maxamed X. Aadan guud ahaan Somaliland wuxuu ka mudan yahay marti gelin, masuuliyiinta dawladda ee Harti ee ku sugan Hargeysana wuxuu ka mudan yahay soo dhowayn iyo inay garabsadaan. Waxaase la yaab leh sida aan ka war qabo sida aynu u badanahay masuuliyiinta Hartiga ee Somaliland inaynaan Maxamed X. Aadan martigelin, magan gelin, nabad-na gelin. Markaa Yaasiinow intaas ma waxaad ugu dartay inaad jaraa’idka ku weerarto, miyaanad markaa ahayn ninkii nebi Muuse u hiiliyey ee meeshuu mahad sanid ka eegayey, isagii sheegay.

Waxaan qoraalkayga ku soo gebegebaynayaa hadii aynu nahay masuuliyiinta, siyaasiyiinta iyo wax garadka Sool iyo Sanaag bari waa inaynu soo dhowaynaa oo aynu mabaadi’diisa taageernaa Maxamed X. Aadan maadaama uu mar walba ka soo horjeedo keli taliye oo dhan, taas oo ah sababta runta ah ee kuwo badan uga soo horjeestay, ugana tegay”.

C/rashiid Ducaale Qambi, Hargeysa.
 

Top


AF JINACLEY

Sheeko – Waxa Qoray; A. A. Garas, waxana Tifaftiray; A. Ducaale

Q: 4aad

Waxa kale oo uu isku qanciyay “Malaha intii aad duunyo caynaanin lahayd, waxa ka wanaagsan adigoo dad caynaaniya,” waxaase iska caddayd in haddii la noollaado ay naanaysi Ina Daan-weyne tahay, isla markaana Cawil oo aan markii horeba walaalkii Askar ammaan iyo hadal wanaagsan-toona ku qabin, imikana mar haddii uu sidaa yeelay inuu sadqeeyo waxba kuma aha, laakiin dabka ay doonto ha kulaashee Cawil subaxaa waxa uu afka saaray halkii Shukri loogu tilmaamay, socodkiisana kadle iyo faddal-dheer mar qudha kama jimcin, isma ogeyn, waxaana dabada ka tukhaantukinayay jibbada iyo muxubada uu u hayo Shukri. Waxa kale oo dabada ka riixayay go’aanka jar-iska-xoornimada ah ee uu qaatay, kaas oo laga yaabo in aanay geesinimona ka madhnayn, waayo; asbaabta uu go’aankan adag u qaatay waxa ka mid ahaa; isaga oo maqli jiray odhaahda ah “Ragganimo meel cidhiidhyoon bay ku jirtaa”, waayo, muxubada hogaan qaadaysa ee Shukri ka sokow, waxa uu Eddadii ku ogaa ciirsi la’aan, maxaa yeelay gabadhaa ayay wax ubad ah lahayd, sababta ay Eddadii gabadha u siisayna waxa ugu weynayd inuu Cawil reerka rag u noqdo. Sidaa darteed, Cawil, waxa uu isku wadaa in haddii uu gurmadkaa ku guulaysto ay u soo hoyatay libbin aanay cidi la wadaagin iyo caashaqii ciirsiga u baahnaa shinkii galay.

Cawil waxa uu ahaa nin kabti (orod) badan oo marka uu jiidaasha yahay aan addinkiisa socodka uga tudhin. Cawil haddii uu socod maago, jeenigiisu hakadka ma aqoon, jidiinkiisuna baahida ma dareemi jirin, wuxuuna ahaa wiil da’ yar oo ay muruqiisa iyo seediisu caano geel ku liilsameen, baxarka iyo nolosha adagna ku kabti bartay.

Cawil da’diisu waxay ahayd hillaadii 18 jir, wuxuuna ahaa will qoton leh, guud ahaana qurxoon, laakiin waxa ka muuqday jaydhafka iyo xaadhufta ay diifta Jilaalku badday, taas darteedna si aad ah ayuu u bog sollay ama u jiidh-furay.

Cawil maalintaa dhacdo iyo baxdo mar qudha socod kabti iyo dhababaco ma kala jarin, wuxuuna saqlihii ku soo jiidhay masaafo aad u kala durugsan.

Cawil Dhoobaale, waxa uu ka dhashay qoys reer Guurraa ah, wuxuuna reerkooda u ahaa guri-dambays, taas oo ay walaalihii wada mudakar noqdeen oo aanay cid doob ahi ku hadhin isaga mooyee. Cawil labadiisii waalid way allaysteen, waxayna ubadkooda uga dhinteen xoolo nool, balse wax mood ah ugama ay dhiman.

Cawil subaxaas ayaa caydhnimo ugu horaysay inkasta oo uu la qabay badiba dadkii carradaa ku dhaqnaa oo ay abbaartu caydhnimada ka sintay.

Gabadha Cawil qalbigiisa ka guuxaysa waxa dhashay Eddadii Qaali, laakiin Shukri iyo Cawil xaga da’da waa isku gedo dhow yihiin, sida la sheegayna Cawil baa dhallaan ciil weyn, waxayna ahaayeen laba qof oo meel ku soo wada koray oo aan isu cusbayn, neeftooduna ilaa yaraantii way is ogolaayeen, wayna wada ciyaari jireen. Sidaa darteed Cawil, waxa uu maalintaa soo maray dundumo yar oo ay isaga iyo Shukri yaraantoodii ku ciyaari jireen marka ay maqasha la joogaan.

Cawil iyo Shukri yaraantoodii adhiga ay raacaan waxa looga baqan jiray in ay dacawo cunto, waayo; sida ay maalin oo dhan isugu mashquulsan yihiin ee u wada ciyaarayaan ayaa xoolo iyo xaal adduunba dayacmi jireen. Tusaale ahaan, Cawil iyo Shukri labadooduba la dhaqanka iyo la ciyaarista carruuraha kale way ka qalloon jireen ama way ku diiqadoon jireen, laakiin iyagu ma kala xiisa go’i jirin.

Sidoo kale markii ay ciidamiyeen ee ay dad waaweyn noqdeen inkasta oo uu dhaqankoodii nololleed waxoogaa kala durkay oo uu midba meeshii ku foofay, haddana qalbigooda iyo dareenkoodu marna ma kala durkin, waxayna had iyo goor ahaan jireen gacal si gaar ah isugu ololla. Laakiin waxay socotaba farxadoodii ugu waynayd waxay dhacday markii laysa siiyay dayrnimadii abaarta ka horaysay.

Cawil iyo Shukri, iyagu arrin guur marna islama kohan, waxase la isku siiyay tashi waalid, waxaana hindisaha waalidku ahaa in marka biyo gu’ la arko uu meherkooda iyo aqal-galkooduban dhaco, waxaase tashigaa beeniyay waayaha adduun iyo abaartii gaag ma reebada ahayd ee dhacday, taasina waxay keentay in hadhuubka iyo haanta la kala tuuro.

Waxaan maqli jiray:

“Goddob qaade waayuhu,
Laba guur isku oggaa,
Muxuu geed ku kala xidhay.”

Iminka Shukri iyo Cawil, halkii ay guur uga findhicilanayeen, waxa la kulantay haantaa hadhuub la’ iyo waayo adduun, waxayna duruuftu badday in ay Shukri halkii ay aroos iyo waaqo ka filanaysay ay macaluul iyo guryo ba’ay wheel la’ noqotay.

Sidoo kale, Cawil waayaha iyo saxariirka dhacay ayaa talo ka dhabqiyay, waxayna talo adduun kaga ururtay inuu geellii lagu dhaaddan jiray cidla kaga dhaqaaqo.

Cawil wuxuu gidiga maalintii kabtiyoba, gabalkii ayaa u dhacay, isaga oo intaa dhex mushaaxayay dhul uu aad aqoon ugu lahaa jabadkiisa iyo jeexiisaba, laakiin intaa uu maalin guclaha iyo guuraha habeenimo ku jiray, mar qudha ishiisu may qaban wax sankiisa neefi gasho, waxaase ishiisa ku badnaa guri cas ay sida dambaska u dul-tuullan yihiin raqda xoolihii abaarta ku le’day, kuwaas oo lafahooda iyo dhogortooduba duleedada guryaha iyo agagaarka waddooyinka xoolaha sida kashkaashka u wadhnaayeen.

La soco.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Halkee Ayuu Marayaa Hirdanka Kooxaha Yurub?

C/fataax M. Caydiid

Championship League:

Halkee Ayuu Marayaa Hirdanka

Kooxaha Yurub Ugu Soo Gudbayaan Wareega Labaad Ee Tartanka Horyaalka Kubadda Cagta?

Waa Kuma Kooxaha Ilaa Hadda U Soo Gudbay Wareega Labaad?

Amsterdam (W. Wararka) – Tartanka horyaalka kooxaha Yurub ee loo yaqaan “Championship League” ayaa labadii habeen ee Salaasadii iyo Arbacadii ay iskaga horyimaadeen kooxaha ku hirdamaya xilli-ciyaareedkan 2003-2004, iyadoo ay kooxaha ku jiraa oo dhan 32 kooxood oo loo kala qaybiyay 8 qaybood (Groups) haatan marayaan ciyaartii 5aad ama loogu yeedho “Day 5th”, taas oo ay koox kasta u hadhay ciyaar keliya, kadibna ay labada kooxood ee guruubkasta u horeeyaa u soo gudbi doonaan wareega 16 kooxood ee “wareega labaad [second round]”.

Haddaba anagoo idiin soo koobayna natiijooyinkii labadii habeen ee ugu dambeeyay ee ay kooxaha tartankan ku jiraa wada ciyaareen, iyo guruub kasta sida loo horeeyo, taas oo aynu midba gooni u soo qaadanayno:

Group A

Celtic 0-0 Bayern Munich

Kooxda Celtic oo gurigeeda lagu ciyaarayay ayaan ku guulaysan in ay kaga faa’iidaysato oo ay saddex dhibcood uga hesho ciyaartan, walow barbardhac aan wax goolal ah laysku dhallin ay kula baxeen, haddana kooxda Celtic waxay ku guulaysatay in ay hogaanka guruubkan qabsato iyadoo leh 7 dhibcood, balse xaga goolasha kaga horeysa kooxda Anderiecht, halka ay kooxda Bayern Munich kaalinta ugu dambeysa kaga jirto guruubka oo ay leedahay 6 dhibcood.

Anderlecht 1-0 Lyon

Kooxda Anderlecht ayaa oo ciyaartan ka hor ku jirtay kaalinta ugu dambeysa lahayd 4 dhibcood oo keliya, ayaa ku soo booday oo timid kaalinta 2aad, kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay kooxda faransiiska ah ee Lyon oo ay isku kaalin kuwada jiraan, waxaanay labada kooxood kuwada jiraan kaalinta labaad oo ay kooxdiiba leedahay 7 dhibcood, goolashana iskaga mid yihiin. Goolka ay guushu ku raacday kooxda Anderlecht, waxa u saxeexay daqii 69aad ciyaaryahanka Hannu Tihinen.

Group B

Inter 1-5 Arsenal

Kooxda Arsenal ayaa guul taariikhiya gaadhay, kadib markii ay 5-1 garoonka San Siro kaga adkaatay kooxda Inter Milan, iyadoo ay rajada kooxda Arsenal ku xidhnay keliya guul ay ciyaartan ka gaadho, si ay ugu sii nagaado ku hirdan sidii ay ugu soo gudbi lahayd wareega labaad. Guushan ayaa waxay keentay kooxda Arsenal in ay kaalinta labaad soo gasho, iyadoo ay dhinaca goolasha kaga horeyso kooxda Inter oo iyaduna leh 7 dhibcood kaalinta 3aad ku jirta, waxaanay kooxda Arsenal hal dhibic ah ka dambaysaa kooxda Lokomotiv Moscow oo 8 dhibcood ku hogaaminaysa Group B.

Goolasha shanta ah waxa u kala dhilayay Thierry Henry oo laba gool u dhaliyay daqiiqadihii 25aad iyo 85aad, Fredrik Ljunberg oo isna daqiiqadii 49aad u dhaliyay, halka ay ciyaartoyda Edu iyo Robert Pires u kala dhaliyeen laba gool daqiiqadihii 87aad iyo 89aad. Dhinaca Inter Milan waxa goolka keliya u dhaliyay weeraryahanka Christian Vieri, daqiiqadii 33aad.

Lokomotiv Moscow 3-2 Dynamo Kiev

Kooxda Lokomotiv ayaa qabsatay hogaanka group B, kadib markii ay gurigeeda 3-2 kaga adkaatay kooxda Dynamo Kiev, guushaas kadibna waxay Lokomotiv Moscow hogaanka ku qabsatay 8 dhibcood, halka ay kooxda Dynakiv Kiev khasaarahaa kadib kaga jirto guruubka kaalinta ugu dambeysa oo ay leedahay 6 dhibcood oo keliya.

Ciyaarta ayay kooxda Lokomotiv gool uu daqiiqadii 28aad u dhaliyay Maxim Buznikin ku hormatay, balse daqiiqadii 37aad ayuu Valentin Belkevich gool barbardhac ah u keenay kooxda Dynamo Kiev. Mar labaad ayay kooxda Lokomotiv ku guulaysatay in ay hogaanka ciyaarta qabsato kadib markii ay rigoore heshay, kaas oo uu saxeexay Sergei Ignashevich daqiiqadii 45aad, taas oo ay haddana kooxda Dynamo Kiev barbaraysay daqiiqadii 65aad, waxaana u saxeexay goolkaas weeraryahanka Maksim Shatskikh. Laakiin kooxda Lokomotiv ayaa ugu dambayntii ku guulaysatay in ay guusha hantido, kadib markii daqiiqadii 89aad uu Winston Parks u saxeexay goolkii saddexaad, waxaanay ciyaartii ku soo geba-gebawday 3-2.

Group C

Monaco 1-1 PSV Eindhoven

Kooxda Monaco ayaa hogaanka group C qabsatay kadib markii ay barbardhac 1-1 ah gurigeeda ku gashay kooxda reer Holland ee PSV Eindhoven, waxaanay kooxda Monaco ku hogaaminaysaa guruubkan 10 dhibcood oo ay dhinaca goolasha kaga horeyso kooxda Deprotivo La Coruna, halka ay kooxda PSV kaalinta 3aad kaga jirto guruubka oo ay leedahay 7 dhibcood.

Kooxda Monaca ayaa gool ku hormartay daqiiqadii 34aad, kaas oo u saxeexay ciyaaryahanka Isbaanishka ah ee Fernando Morientes, balse kooxda PSV Eindhoven ayaa ku guulasatay in ay dhashato goolkii barbardhaca daqiiqadii 85aad, kaas oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka Jan Vennegoor of Hesselink.

Deportivo La Coruna 3-0 AEK Athens

Kooxda Deportivo ayaa ka soo kabatay guul-daradii taariikhiga ahayd ee ay kooxda Monaco ciyaartii tan ka horeysay kaga badisay 8-3, waxaanay ku guulaysatay in gurigeeda kaga badiso 3-0 kooxda martida u ahayd ee AEK Athens, waxaanay ku jirtaa kaalinta labaad ee guruubkan iyadoo leh ay isku dhibco yihiin kooxda kaalinta koowaad ku jirta ee Monaco, balse ay xaga goolasha kaga dambayso, halka ay kooxda AEK Athens ka leedahay dhibic keliya oo ay tartanka ka hadhay.

Goolasha saddexda ah waxa u kala dhaliyay Berengule Hector daqiiqadii 21aad, Juan Carlos Valeron daqiiqadii 51aad iyo Aberto Luque daqiiqadii 71aad.

Group D

Olympiakos 2-2 Real Sociedad

Kooxda Real Sociedad ayaa kaalinta labaad ee group D soo gashay, kadib markii ay kooxda Olympiakos oo ay marti u ahayd barbardhac 2-2 kula gashay, waxaanay taasi keentay in ay kooxda Real Sociedad yeelato 8 dhibcood oo ay laba dhibcood ka dambayso kooxda kaalinta koowaad ee guruubkan ku jirta ee Juventus, halka ay kooxda Olympiakos leedahay 4 dhibcood oo keliya, kaalinta 3aad ku jirto.

Igor Gabilondo ayaa daqiiqadii 31aad u dhaliyay kooxda Deportivo gool ay ciyaarta ku hormatay, balse Ieroklis Stoltidis ayaa goolkii barbardhaca u keenay kooxda Olympaikos daqiiqadii 59aad. Kooxda Olympiakos ayaa daqiiqadii 71aad hogaanka ciyaarta ku hormatay, kadib markii uu Neri Aberto Castillo daqiiqadii 71aad u saxeexay goolkii labaad ee kooxdiisa, balse Real Sociedad ayaa saddex daqiiqadood kadib ku guulaysatay in ay dhaliso goolkii ay barbardhaca kula gashay, kaas oo uu saxeexay Gabriel Schurrer, waxaanay ku soo geba-gebowday barbardhac 2-2 ay isla dhaafiwaayeen labada kooxood.

Galatasary Vs Juventus

Ciyaartan labada kooxood ee Galatasary iyo Juventus dhex mari lahayd ayaa dib loo dhigay, kadib sababo amni oo ka dhashay qaraxyo toddobaadadii tegay ka dhacay magaalada Istanbul oo qorshuhu ahaa in lagu ciyaaro, taas oo ay xidhiidhka kubadda cagta ee Yurub dib ugu dhigeen tan bisha December 2-da. Laakiin kooxda Juventus ayaa guruubkan hogaanka u haysa waxaanay leedahay 10 dhibcood, iyadoo sidaasna ugu soo gudubtay wareega labaad ee tartanka horyaalka, halka ay kooxda Galatasaray kaga jirto guruubka kaalinta ugu dambaysa oo ay leedahay 3 dhibcood oo keliya.

Group E

VfB Stuttgart 1-0 Rangers

Kooxaha VfB Stuttgart iyo Manchester United ayaa u soo gudbay wareega labaad ee tartanka horyaalka Yurub, kadib markii ay labada kooxoodba guul ka gaadheen ciyaarahoodii ay Arbacadii ciyaareen, waxaanay kooxda VfB Stuttgart 1-0 kaga adkaatay kooxda Rangers oo marti u ahayd, taas oo keentay in ay hogaanka guruubka ku qabsato iyadoo dhinaca goolasha kaga horeysa kooxda Manchester United oo ay labada kooxoodba leeyihiin 12 dhibcood, halka ay kooxda Rangers ka leedahay 4 dhibcood oo ay kaalinta 3aad ku jirto.

Goolka ay guushu ku raacday kooxda VfB Stuttgart, waxa daqiiqadii 45aad u saxeexay ciyaaryahanka Timo Wenzel.

Panathinakos 0-1 Man United

Kooxda Manchester United ayaa ku guulaysatay in ay 1-0 kaga adkaato kooxda Panathinakos oo ay marti u ahayd, isla markaana u soo gudubto wareega labaad iyadoo kaalinta labaad ka soo gashay guruubkan, balse dhinaca goolasha laga horeeyo oo ay xaga dhibcaha iskaga mid yihiin kooxda VfB Stuttgart oo ay leeyihiin 12 dhibcood, iyadoo ay kooxda Panathinaikos ka hadhay tartanka, kadib markii ay kaalinta ugu dambeysa ka soo gashay guruubkan oo ay leedahay keliya dhibic, taas oo ay gebi ahaan ciyaarta shantii ciyaarood ee ay ciyaarta afar ka mid ah laga adkaaday, halka ay barbardhac keliya ka gashay.

Diego Forlan ayaa daqiiqadii 85aad u dhaliyay goolka ay guusha ku hantiday kooxda Manchester United.

Group F

Marseille 1-2 Real Madrid

Kooxda Real Madrid oo hore ugu soo gudubtay wareega labaad ee tartankan horyaalka ayaa sii xafiday hogaanka guruubka, kadib markii ay dibadda ka dhigtay tartanka kooxda Faransiiska ah ee Marseille dorraad arbacadii, waxaanay kaga badisay gurigeeda.

Ciyaaryahanka Masriga ah Mido ayaa barbardhac u keenay kooxda Marseille daqiiqadii 64aad, kadib markii xiddiga David Beckham daqiiqadii 35aad ee qaybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay kooxda Real gool ay ku hormartay, kaas oo uu ku dhaliyay laad xor ah oo loo dhigay khadka goolka dibadiisa. Laakiin daqiiqadii 73aad ayuu weeraryahanka reer Brazil ee Ronaldo u saxeexay kooxdiisa Real Madrid goolkii guusha, kadib markii kubad ay ka soo shaqeeyeen ciyaartoyda Figo, Zinedine Zidane iyo Raul ugu dambayntii Ronaldo goolka si wanaagsan ugu taabtay.

Guushan kadib, waxay kooxda Real Madrid guruubkan ku hogaaminaysaa 13 dhibcood, taas oo ay ka urursatay afar ciyaarood oo ay guulaysatay iyo hal ciyaar ah oo ay barbardhac gashay, halka ay kooxda Marseille ka baxday tartanka oo ay kaalinta saddexaad ka soo gashay, iyadoo leh 3 dhibcood oo keiya.

FC Porto 2-1 Partizan Belgarde

Sidoo kooxda FC Porto ayaa iyaduna u soo gudubtay wareega labaad ee tartanka horyaalka Yurub, kadib markii 2-1 kaga adkaatay kooxda Partizan Belgarde, taas oo keentay in ay kooxda Porto kaalinta labaad guruubkan ka gasho, iyadoo leh 10 dhibcood, halka ay kooxda Partizan Belgrade ka baxday tartanka waxaanay kaga jirtaa guruubkan kaalinta ugu dambeysa oo ay leedahay 2 dhibcood oo keliya.

Kooxda Porto ayaa hogaanka ciyaarta ku hormartay daqiiqadii 25aad, kaas oo uu u saxeexay Benni McCarthy, isagoo haddana isla ciyaartoygaasi hogaanka ciyaarta sii kordhiyay daqiiqadii 45aad, kadib markii uu goolkii labaad ee isaga iyo kooxdiisaba u dhaliyay.

Ciyaartoyga Andrija Delibasic ayaa gool u dhaliyay kooxda Partizan Belgrade daqiiqadii ugu dambeysay wakhtigii ciyaarta.

Group G

Chelsea 0-0 Sparta Prague

Kooxda Chelsea ayaa u soo gudubtay wareega labaad ee tartanka horyaalka Yurub, kadib markii ay arbacadii barbardhac 0-0 la gashay kooxda Sparta Prague, sidaas ay hogaanka guruubkan ku qabsatay, iyadoo leh 10 dhibcood, halka ay kooxda Sparta Prague ka leedahay 5 dhibcood, kaalinta 3aad kaga jirto guruubka Group G.

Lazio 1-1 Besiktas

Kooxda Besiktas ayaa ku guulaysatay in ay kaalinta 2aad soo gasho guruubkan, kadib markii ay barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Lazio oo ay Stadio Olimpico kula ciyaaraysay dorraad arbacadii, halka ay kooxda Lazio kaga jirto guruubkan kaalinta ugu dambaysa oo ay leedahay 5 dhibcood, isla markaana dhinaca goolasha kaga dambayso kooxda Sparta Prague.

Ciyaaryahanka Daniel Pancu ayaa gooldhalinta u furay kooxdiisa Besiktas daqiiqadii 45aad, kadib markii kooxdiisa loo qabtay rigoore. Laakiin Roberto Muzzi ayaa gool barbardhac ah u keenay kooxda Lazio daqiiqadii 55aad.

Group F

Ajax 0-1 AC Milan

Kooxda AC Milan ayaa muujisay in ay ka dhabtahay in ay doonayaan sannadkana in ay ku guulaystaan horyaalka Yurub, kadib markii ay u soo gudbeen wareega labaad oo ay kooxda Ajax Amsterdam kaga adkaadeen 1-0 iyagoo kula ciyaarayay magaalada Amsterdam arbacadii dorraad.

Xilli-ciyaareedkii hore kooxda uu hogaaminayo Carlo Ancelotti waxay soo bandhigeen ciyaarihii heerarkii hore ciyaaro aad u qurux badan, balse ciyaartan ay Amsterdam ku ciyaarayeen may ahayd mid qurux badan ee waxay ahayd ciyaar ka mid ah kuwii u dhaqanka ahaa kooxaha Talyaaniga.

“Maanaan soo bandhigin ciyaar qurux badan taas oo aanu xilli-ciyaareedkii hore soo bandhignay, laakiin ciyaartan waxaanu ahayn kooxda adag, waxaanuna u baahnayn keliya in aanu badino, waayo si aanay soo gudubkayagu ugu xidhmin ciyaar dambe.” Sidaa waxa yidhi Carlo Ancelotti, tababaraha kooxda AC Milan.

Guushani waxay ahayd guushii ugu horeysay ee ay kooxda Milan kaga badiso garoonka Ajax, isla markaana goolka uu u dhaliyay Adriy Shevchenko daqiiqadii 51aad waxa uu ahaa goolkii ugu horeeyay ee koox talyaani ahi kaga dhaliso guriga kooxda horyaal Holland haysata ee Ajax.

Milan ayaa wareega labaad ugu soo gudubtay 10 dhibcood oo ay ku hogaaminayso guruubkan, halka ay kooxda Ajax ka leedahay 6 dhibcood kaalinta labaadna ku wada jiraan kooxda Celta Vigo oo ay goolasha iyo dhibcaha isku mid yihiin.

Celta Vigo 1-1 Club Brugge

Kooxda Celta Vigo ayaa ku guuldaraysatay in ay ka faa’iidaysato garoonkeeda iyo taageerayaasheed, waxaanay barbardhac 1-1 kula gashay kooxda Club Brugge oo marti u ahayd. Sidaasna waxa ay kooxda Celta Vigo ka leedahay oo 6 dhibcood oo ay kooxda Ajax kaalinta labaad kuwada jiraan, halka ay kooxda Club Brugge kaalinta ugu dambeysa kaga jirto oo ay leedahay 5 dhibcood oo keliya.

Kooxda Celta Vigo ayaa hogaanka ciyaarta ku hormartay gool daqiiqadii 73aad, kaas oo uu u saxeexay ciyaaryahanka Alexandr Mostovol, balse daqiiqadii 90aad ayay kooxda Club Brugge keentay goolkii barbardhaca oo uu dhaliyay Rune Lange.

Top