|
Koox Dal-Xiisayaal Imaaraadka Carabta Ah Oo Socdaal
Ku Maraya Deegaamo Badan Oo Ka Tirsan Somaliland
Badhasaabka Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismayaal
Cusub Oo Lagu Kordhiyey Xarunta Xarunta Agoomaha Ee Boorama
Maayarka Boorama Oo Iska Weeciyey
Eedaymo Kaga Yimid mudanayaal Golaha Deegaanka Ah
Dadka Reer Burco Oo Gadood Balaadhan
Kala Horyimid Qiimaha Qaadka Oo Kor U Kacay
Baanka Somaliland Oo Ka Digay Lacag La
Been Abuuray Oo Loo Ekaysiiyey Shilinka Somaliland
Xiligan Iyo Duruufaha Burco
Warbixin –Wariye Ka Tirsan Haatuf
Reer Ceerigaabo Oo Go’aansaday Inay U
Gurmadaan Dadka Abaartu K Habsatay
Cismaan Kaluun Iyo Sababta Dhabta Ah
Ee Uu Isaga Casilay Maamulka Kooxda Cabdiqaasin
Xaflad Lagu Soo Geba-Gabeeyay
Tartankii Ciyaaraha Koobka Ramadaan Ee Boorama
Aqoon-Isweydaarsi Lagaga Digayo
Halista AIDS-ka Oo Lagu Soo Geba-Gabeeyay Burco
Ilaaliyihii Gaarka Ahaa Ee Usaama Oo
La Xukumay
Bush Oo Si Lama Filaan Ah Booqasho
Qarsoodi Ah Ugu Tegay Ciraaq
Xaalada Maxaabiista Guwaantanaamo Oo
Laga Dayriyey
200 Oo Qof Oo Ku Dhintay Dooni Ku
Qaraqantay Dalka Kongo
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Haloo Guramado
Dadka Abaartu Ku Habsatay
Lama Maqal Wadaad Ka Duceeyey Xabaalo
Gaalo Adiga Hortaa
Ilaalinta Xuquuqda Waa Loo Simanyahay
“Shakhsiga Ka Soo Horjeeda
Mabaadii’da Maxamed Aadan Waa Mid U Xaglinaya Ninka Puntland Khasabka Ku
Haysta”
AF JINACLEY
WAADIGA CIYAARAHA: Halkee Ayuu
Marayaa Hirdanka Kooxaha Yurub?
|
|
| Koox Dal-Xiisayaal Imaaraadka
Carabta Ah Oo Socdaal Ku Maraya Deegaamo Badan Oo Ka Tirsan Somaliland |
Berbera (Haatuf): Koox dal-xiisayaal ah oo ka socda dalka
Imaaraadka Carabta ayaa shalay socdaal ku yimi Somaliland, iyaga oo ka soo
degay madaarka Berbera.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera, C/raxmaan X.
Daahir (Casaan) dal-xiisayaasha Imaaraadka Carabta oo ay tirado ahayd 11
qof waxay wateen diyaarad khaas ah iyo ilaa saddex baabuur, waxayna isla
shalayba magaalada Berbera uga bixitimeen dhinaca xeebta galbeedka
Somaliland, iyadoo ay fiidkii xalay ku sugnaayeen magaalo-xeebeedda
qadiimiga ah ee Bullaxaar.
ilo xog-ogaal ah ayaa Haatuf u sheegay inay kooxdan dalxiisayaasha ah ka
mid yihiin masuuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka Carabta.
Warar kale oo lagu kalsoon yahay ayaa iyaguna tibaaxay inay
dal-xiisayaashu booqanayaan degaamo badan oo bariga iyo galbeedka
Somaliland-ba ah, iyaga oo dhinaca kalena socdaalkooda ku sahaminaya sida
ay xaaladda nabadgelyo ee Somaliland, waxayna dalka joogi doonaan sida la
sheegay muddo laba toddobaad ah, waxaana la sheegay inay qaar ka tirsan
madax-dhaqameedka reer Somaliland socdaalka ay ku marayaan meelahaa ku
weheliyaan.
Waxa kale oo ay wararku tibaaxeen inay kooxdan dal-xiisayaasha ah ka mid
yihiin xubno hadda ka hor socdaal ku yimi Somaliland, kuwaas oo laga soo
weriyey inay aad ula dhaceen jawigii nabadgelyo ee ay Somaliland ku arkeen,
waxaana la filayaa inay dal-xiisayaashani horseed u yihiin qaar ka mid ah
shuyuukhda Imaaraadka Carabta oo doonaya meelo ay ku ciyaaraan ciyaaraha
Qanafka loo yaqaan oo ka mid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ay u
leeyihiin Imaaraadka Carabtu. Top
| Badhasaabka Oo
Xadhiga Ka Jaray Dhismayaal Cusub Oo Lagu Kordhiyey Xarunta Xarunta
Agoomaha Ee Boorama |
Boorame (Haatuf): Badhasaabka gobolka Awdal,
Maxamud Sh. C/laahi ayaa shalay xadhiga ka jaray dhismayaal cusub oo laga
hirgeliyey xarunta agoomaha ee magaalada Boorame, waxaana dhismayaashaa
cusub maalgeliyey hayadaha UNHCR iyo SCF, waxaana dhismihiisa fuliyey
ururka haweenka ee KAALMO, iyadoo uu ururka haweenka ee Kaalmo gacanta ku
hayo xarunta agoomaha Boorame.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
xaflad loogu talo galay furitaanka dhismayaashan cusub ayaa lagu qabtay
xaruntaa, waxaana ka soo qayb galay, madaxda maamulka Boorame, mudanayaal
baarlamaanka Somaliland ah, madax-dhaqameedyo, wakiilo ka socoda
jaaliyadda reer Boorame ee gobolka Taxes ee cariga Maraykanka iyo
marti-sharaf kale.
Badhasaabka Awdal oo munaasibaddaa hadal ka jeediyey ayaa u mahad naqay
ururka haweenka ee KAALMO, iyadoo ururkani muddo ilaa toban sannadood
gaadhaysa gacanta ku hayey caruurta agoomaha ah ee reer Boorame, taas oo
ay ururkani caruurta agoonta ah ka bad-baadiyey dhibaatooyin saamayn lahaa
mustaqbalkooda nololeed. Waxxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xubno ay
ka mid yihiin Sh. Cali Jawhar iyo Sh.Muuse Goodaad oo labaduba ka tirsan
golaha guurtida Somaliland iyo sidoo kale Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar,
waxayna dadka munaasibadaa ka hadlay ku boorriyeen dadka reer Boorame,
gaar ahaan ganacsatada, inay ka qayb qaataan taakulaynta agoomahan.
Xaaji Axmed Miisaan oo ka socda jaaliyadda reer Boorame ee magaalada
Dallas ee dalka Maraykanka ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna xusay inay
jaaliyadaha debeddu diyaar u yihiin, dedaalna ugu jiraan taakulaynta
agoomaha iyo hawlaha kale ee samafal-ba, iyadoo ay jaaliyadahaasi xaruntan
soo gaadhsiiyeen 120 sariirood oo kuwa hurdada ah iyo furshaantoodii.
Waxa kale oo iyana halkaa ka hadashay marwo Caasha Jaamac Faarax oo ah
gudoomiyaha ururka haweenka ee KAALMO, waxayna ka warbixisay hawlaha iyo
adeegyada ay caruurta agoomaha ah u qabtaan, iyadoo tilmaantay
dhibaatooyin ka haysta dhinaca biyaha iyo weliba gaadiidka, isla markaana
waxay marwo Caasha u mahad celisay cid kasta oo gacan ka geysatay
taakulaynta xarunta agoomaha ah, laakiin waxay si gaar ah u xustay
jaaliyadda reer Boorame ee gobolka Taxes ee cariga Maraykanka iyo hayadaha
samafalka ee kala ah: UNHCR, SCF, iyo WFP, iyadoo ay xarunta agoomaha
Boorame ku jiraan caruur tiradoodu gaadhayso ilaa 120 caruur ah. Top
| Maayarka
Boorama Oo Iska Weeciyey Eedaymo Kaga Yimid mudanayaal Golaha
Deegaanka Ah |
Boorame (Haatuf): Maayarka magaalada Boorame,
Craxmaan Sh. Cumar ayaa maalintii shalay iska riixay eedaymo ay u soo
jeediyeen xubnaha golaha degaanka Boorame qaarkood, isla markaana waxa uu
maayarku ka bad-baaday cod kalsooni ah oo laga baqe qabay inay golaha
degaanku u qaadaan.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar
waxay golaha degaanka Boorame maalintii shalay yeesheen fadhi qaatay dhawr
saacadood, kaas oo subaxnimadii ka furmay xarunta maamulka dawladda hoose,
socdayna ilaa duhurnimadii shalay, halkaas oo ay mudanayaal ka tirsan
golaha degaanku dhaliilo iyo eedaymo la xidhiidha dhinaca maamulka u soo
jeediyeen maayarka, laakiin uu maayarkuna dhiniciisa iska weeciyey, iyadoo
uu kulankaasi ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo ay saxaafaddu debedda
ka joogto, waxayse rag mudanayaal ahi weriyaha Haatuf u sheegeen inuu
kulankani ahaa kalfadhigii caadiga ahaa ee uu golaha degaanku bishiiba hal
mar yeelan jiray.
Doodda caynkan ahi may ahayn mid shalay bilaabatay, waxayse ku sinnayd
ilaa bishii Ramadaan, waqtigaas oo ay xubno ka tirsan golaha degaanka
Boorame maayarka ku soo oogeen eedaymo dhinaca maamulka ah, iyaga oo
dal-badday inuu jawaabo ka bixiyo waxyaalaha loo haysto. Kuwaas oo ay ka
mid yihiin dhaliilo dhinaca nabadgelyada looga jeedinayo. Waxa kale oo la
mid ah qalab ay wakaaladda biyaha Boorame lahayd oo la leeyahay mar qudha
ayey faro dhexdood ka baxeen, taas oo lunsigooda lagu eedaynayo maayarka.
Xubnaha golaha degaanka ee maayarka ku dhaliilayo inuu dayacay wax ka
qabashada dhinaca nabadgelyada magaalada ayaa ku doodday inay xaaladda
nabadgelyada ku tilmaamay mid faraha ka sii baxaysa, iyaga oo tusaale u
soo qaatay iska hor-imaad dhowaan dhexmaray shirkadaha Laydhka ee Boorame,
taas oo ay mudanayaashani ka digeen inuu sii balaadhan karo, hadii bay
yidhaahdeen arintaas iyo arimo kale oo la mid ah wax laga qaban.
Laba mudane oo ka mid ah guddiga nabadgelyada golaha degaanka Boorame ayaa
maayarka ku dhaliilay inaanu waxba kala socon dhibaatooyinka nabadgelyo
daro ee magaalada ka jira, laakiin maayarka ka jawaabay dhaliilaha
caynkaas ah ee loo soo jeediyey, isaga oo iska weeciyey dhaliilaha loo
jeediyey.
Maxamed Cabdi oo ka mid ah golaha degaanka ayaa weriyaha Haatuf u sheegay
inay mudanayaasha golaha degaanku iska qanciyeen arimihii ay kaga doodeen,
isaga oo yidhi “Fadhigaasi wuxuu noogu dhamaaday isqancin, iyadoo tuhunka
ay xubnaha qaarkood ka qabeen qalabka biyaha ee la sheegay in la iibsaday
uu ahaa mid hore loo naadiyey xaraashkiisa maadaama uu ahaa mid duugoobay
ayaa la iibiyey si dayn wakaaladda biyaha loogu bixiyo”. Hase yeeshee qaar
ka mid ah mudanayaasha eedaymahan soo jeediyey ayaa sheegay inay dhowaan
soo saari doonaan war-saxaafadeed ay tafaasiil kaga bixinayaan waxyaalaha
ay ku eedaynayaan maayarka iyo sida ay wax u dhaceen.
Top
| Dadka Reer
Burco Oo Gadood Balaadhan Kala Horyimid Qiimaha Qaadka Oo Kor U Kacay |
Burco (Haatuf): 4 qof oo shicib ah iyo ilaa
saddex ka tirsan askarta ciidanka bilayska ayaa dhaawacyo kala duwani soo
gaadheen, isla markaana waxa khasaare soo gaadhay qaar ka mid ah hantida
dadweynaha, ka dib markii uu maalintii shalay kumanaan dadweyne ah oo
dhalinyaro u badani ku talaabsadeen gadood balaadhan oo ay kaga soo
horjeedaan qiimaha qaadka oo cirka isku shareeray ka dhacay magaalada
Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Mudaharaadkaas oo si weyn u hadheeyey guud ahaan jawiga magaalada Burco,
gaar ahaan dhinaca xasiloonida iyo xataa dhaqdhaqaaqa ganacsiga waxa uu
bilaabmay barqadii shalay, wuxuuna soo gaadhay goor dambe oo duhurnimadii
ah, ka dib markii ay ciidamada amnigu xoog ku kala kaxeeyeen
mudaharaadayaashii oo la sheegay inay ahaayeen kooxo xaddigoodu aad u
badan yahay, aad-na u abaabullan.
Weriyaha Haatuf ee magaalada Burco Axmed Aadan Yuusuf ayaa ku soo waramay
inay mudaharaadayaashu u badnaayeen dhalinyaro aad u tiro badan, waxayna
mudaharaadayaashu xidheen wadooyinka magaalada soo gala iyo kuwa isaga
gud-ba magaalada dhexdeeda, taasina waxay keentay inuu gaadiidka siddaa
goor dambe si habaqle ah uga soo galo dhinacyada hawdka iyo meelo dhinac
bariga ah oo aan ahayn wadadii caadiga ahayd ee uu magaalada ka soo geli
jiray oo ah wadada dhinaca Sheekh (Dhinaca waqooyiga), iyadoo ay dadka
mudaharaadayey taayiro ololayey ku gooyeen jidadka magaalada.
Dadka gadoodka sameeyey waxay ka cadhoodeen qiimaha qaadka oo dhawrkii
maalmood ee u dambeeyey laga soo bilaabo maalintii Ciidul-fidriga ay
shirkadda qaadka 571 cirka ku shareertay, waxayna mudaharaadayaashu ku
dhawaaqayeen halku-dhegyo ay ka mid yihiin “Qaadka waa in la jebiyaa”,
“Qofna ma iibsan karo qaadka ilaa la jebiyo” iyo weedho kale.
Minjinta qaadka ahi waxay ciidda ka hor magaalada Burco ka joogtay
13,000-- 20,000 oo shillinka Somaliga giinbaarta la yidhaahdo ah, laakiin
laga soo bilaabo maalintii ciidka waxa uu qiimaha minjinta qaadka ahi kor
u gaadhay 35000---40,000 oo shillin Somali ah, taas oo ay dadka reer Burco
si weyn uga soo horjeesteen gadood weyna ka sameeyeen, waxayna dadkii
mudaharaadka sameeyey dalbanayeen inaan qiimaha qaadka lagu iibiyo
qiimihiisii caadiga ahaa oo ahaa 13,000 shillin Somali ah.
Madaxda dawladda ee degmada iyo gobolka ayaa la hadlay dadka
mudaharaadayey, kana codsaday inay mudaharaadka joojiyaan, iyaga oo markii
ay la hadlayeen u ballan-qaadayey in wax laga qabanayo arinta ay ka
cabanayaan.
“Minjinta qaadka ah waxa laydinka siinayaa 20,000 ee joojiya mudaharaadka”,
sidaa waxa yidhi badhasaabka gobolka, Cabdi Xuseen Dheere oo la hadlayey
dadkii gadoodka samaynayey.
Sidoo kale maayarka Burco, Maxamed Diiriye Xayd ayaa isna isaga oo la
hadlaya dadkii mudaharaadayey ku tiraabay “Minjinta qaadka ah waxa
laydinka siinayaa 13,000 ee joojiya mudaharaadka”.
Hase yeeshee maamulayaasha shirkadda qaadka ayaa ku gacan saydhay
qiimayaasha labada ah ee ay badhasaabka iyo maayarku mid-ba meel kaga
dhawaaqay, waxayna dhinacooda sheegeen inay minjinta qaadka ku iibinayaan
22,000 Sh. So., waxaana qaadka lagu qaybinayey banaano cidlo ah oo aan
ahayn goobihii caadiga ahaa ee lagu soo rogi jiray ama lagu qaybin jiray,
iyadoo ay dadka gadoodsani ku qammaameen maqsinada qaadka, laakiin abaaro
12:00 duhurnimo ayey ciidamada amnigu kala dareeriyeen dadkaa.
Maqsinada qaadka waxa ku xeernaa gaadh isugu jira ilaalada shirkadda
qaadka iyo kooxo ka tirsan ciidamada ammaanka, kuwaas oo tacshiirado
rasaas ah ku furay dadkii mudaharaadayey, taasina ay keentay inay
dhaawacmaan dhawr oo dadweyne ahi.
Taliyaha qaybta bilayska Burco Cabdi Ibraahin ayuu weriyaha Haatuf wax ka
waydiiyey sidii wax u dhaceen, wuxuuna sheegay inay mudaharaadkaa ku
dhaawacmeen ilaa 7 qof oo isugu jira shicib iyo qaar ka tirsan ciidanka,
isaga oo intaa ku daray in dadka dhaawacmay loo xidh-xidhay qaar ka tirsan
shaqaalaha shirkadda qaadka, laakiin taliyaha qaybta bilaysku waxa uu
arintan ku tilmaamay inay ka dambeeyaan gacmo siyaasadaysan, waayo buu
yidhi “Dhalinyaradaa waanu la hadalnay, waxaanuna u sheegnay inanau is
aragnay nimankii qaadka wakiilada ka ahaa oo aanu ku heshiinay qiimo go’an,
laakiin waxaas oo dhan way diideen”, hase yeeshee taliyuhu ma xusin
gacmaha siyaasadeed ee uu sheegay kuwa ay yihiin.
Afarta qof ee shicibka ah waxa lagu dawaynayaa cusbataalka guud ee Burco,
laakiin xubnaha bilayska ah ee dhaawacmay wuu fudud yahay dhaawacoodu.
Maayarka Burco, Maxamed Diiriye Xayd ayaa isna dhiniciisa wax ka waydiinay
sida wax u dhaceen iyo sababta mudaharaadka keentay, wuxuuna ugu horayn
yidhi “Iyadoo ay gobolka ka jirto abaar aad xumi ayey shirkadda qaadkuna
dadweynihii iidkii ku bilowday inay qaadka qaali garayso oo ka dhigto
35,000---40,000 shillin Somali ah, taasina waxay keentay in lagu
mudaharaado qaadka qaaliga ah, ilaa abaaro 10:00 subaxnimo ayaa la
bilaabay mudaharaadka oo la diiday in qaadku magaalada galo, ka dibna
xagga hawdka ayaa laga soo geliyey, dadka mudaharaadayey oo u badnaa
dhalinyaro oo kumanaan gaadhayey oo dhalinyaradii Burco ciddi kama maqnayn
waxa rasaas ku riday shaqaalaha qaadka oo hubkoodii sita, waxayna
rasaataasi dhaawacday afar qof oo rayid ah, waxaana la soo qabqabtay ilaa
10 ka mid ah shaqaalaha qaadka ee rasaasta ridday ilaa haddana dabagal
ayuu ciidan bilaysku ku jiraa”.
Maayarku isaga oo ka hadlaya kulan dhexmaray qolada qaadka waxa uu yidhi
“Waxaanu la kulanay qoladii qaadka, kuwaas oo aanu isla garanay inaan
qiimaha qaadka laga baddin 210,000 Sh.So, go’aankaana way qaateen”.
Wararka qaar waxay sheegeen in qaad la boobay, laakiin maayarka oo taa la
waydiiyey waxa uu ku jawaabay “Wuu jiraa qaad la boobay, laakiin ma badna,
dadka mudaharaadayey anigaba gaadhigayga ayuu laba muraayadood dhagax ku
jebiyeen”.
Afarta qof ee shicibka ah ee mudaharaadkaa ku dhaawacmay waxay
magacyadoodu kala yihiin:
Cabdi Cilmi Guuleed
Maxamed Daahir X. Nuur
Kayse Cabdi Diiriye
Cabdi Mire Jaamac . Top
| Baanka
Somaliland Oo Ka Digay Lacag La Been Abuuray Oo Loo Ekaysiiyey
Shilinka Somaliland |
Baanka Somaliland, wuxuu dhowr jeer
sanadihii 2001 iyo 2002-gii warbaahinta dalka iyo wargeysyadaba uga digey,
Ilayadaha dawladda, Sariflayaasha banaan fadhiga ah, Sariflayaasha /
Xawaaladlayaasha xafiisyada leh, Ganacsatada iyo Dadweynahaba, sidoo kale
Shirkadaha gaarka ah inay jirto Lacag la been-abuuray oo loo soo
ekaysiiyey Shilinka Somaliland, taas oo ka kooban noodhka (500) shanta
boqol ah, Baanka Somaliland wakhtigaas isagoo kaashanaya Ciidamada Qaranka
ee kala ah Ciidanka Militeriga iyo Booliska wuxuu sameeyey Baro-kantarool
oo ay ka hawlgaleen Ciidamadu si looga horjoogsado in lacagahaas been-abuurka
ah la soo geliyo dalka, Tallaabadaas oo ilaa xad guul keentay inkasta oo
hawgalkaas uu ku baxay kharash farabadan oo aanu baanku qaadi karin.
Haddaba, waxa jirta beryahan dambe in lacagta Been-abuurka ah ee kor ku
xusan iyo sida wararku sheegayaan daabacaad kale oo lagu soo kordhiyey oo
hadba tiro yar oo tijaabo u muuqata la soo gelinayo dalka gaar ahaan
gobolka Togdheer, iyadoo loo soo dhiibayo dad u dhashay dalkeena kuwaas oo
lagu hunguri gelinayo faa’iidada loo dulsaarayo, arrintaas oo ah nasiib
darro in qaar idinka mid ah loo adeegsado duminta qarankooda. Tan kale,
lacagahaas been-abuurka ah dadka soo daabacday waxay ka faa’iidaysanayaan
foowdada ka taagan war-wareega lacagaheena suuqyada dalka, taas oo ah in
lacagaha saxa ah si sahlan loogu dhex-dari karo lacagaha been-abuurka ah,
maxaa yeelay dadkeennu lacagta ay qabsanayaan iskama hubiyaan xataa ma
tiriyaan cadadkeeda ee sida qofka sita u soo xidhay ayey ku qaataan.
Lacagaha been-abuurka ah ee loo soo ekaysiiyey lacagta dalkeenna sumadda
iyo Lamabarada lagu soo sameeyey lama wada garan karo ee noodhadhka la
qabto uunbaa lambarkooda aynu garan karnaa, sida sawirada halkan ka muuqda
iyo Noodhadh kale oo iyana la qabtay oo sita Lambarada ah AG515771.
Hadaba, waxa lacagahaas Been-Abuurka ah layskaga ilaalin karaa tilmaamaha
hoos ku muujisan:
Lacagta Been-Abuurka ahi waa noodhadh cusub oo hadda aad moodid in
daabacaada ka soo baxeen waxayna wadataa sanadka daabacaada 1996
Lacagtaa been-abuurka ah ee loo soo ekaysiiyey Shillinka Somaliland wuxuu
midabkeedu naqshadeed yahay (cawl) caddaan xigeen ah marka la barbar dhigo
lacagta asalka ah ee dalka.
Lacagta been-abuurka ahi ma laha wax miisaan ah ee waa xaashi marka aad
faraha ku xoqdid ama si dhaba ugu qabatid.
Ugu dambeyntii, waxaanu Ummadda u sheegaynaa in lacagahaas Been-Abuurka ah
lagaga badbaadi karo oo qudha iyadoo lala macaamilo Laamaha Baanka oo
Xisaabaad laga furto wixii lacag ahna lagu soo xareeyo Baanka si loo
hubiyo, isla markaanna hantideenuna u badbaado, arrintaas oo aan loo
dheg-jalaqsiin, waxaana leenahay markale, haddii aydin raaci waydaan
nidaamka isla markaanna u hogaansami waydaan Shuruucda dalka loo dejiyey
waxay hantidiinu lacageed isu rogidoontaa mid faalso ah oo aan ciddina
idinka gargaari doonin.
Sidaa darteed, waxa la farayaa dhammaan ciidamada qaranka oo kala ah
Militeriga, Booliska, C.I.D iyo Nabadsugida inay xooraan joogta ah ku
hayaan meelaha la filayo in lacgagahaas Been-Abuurka ah dalkeena laga soo
gelinayo sidoo kale, waa in aad baadhis adag ku samaysaan Gaadiidka sida
Badeecooyinka ka imanaya Gobolada Puntland iyo gobolada kale ee Somaliya
oo lagu soo qarin karo lacagahaas, waxa kale oo lacagahaas gaadiidka sidaa
uu soo marin karaa dhinaca Degmooyinka Killinka 5aad ee Itoobiya ee
xuduuda taxan. Tan kale, wax ka qabashada arrintan waxa xilka koowaad ka
saaran yahay Bulshoweynta Somaliland oo iyagu uga dhuun-daloola ciidamada
si sahlana u ogaan kara dadka soo geliyey iyo meelaha lagu qarinayo
waxaanna ku waajib ah inay gacan buuxda siiyaan ciidamada iyo
Masuuliyiinta gobollada iyo degmooyinka si aafadaas la doonayo in
dalkeenna qarannimadiisa lagu tirtiro looga hortago.
Ugu dambeyntii, waxaanu ugu digaynaa dadka Ganacsiga u tegaya Boosaaso iyo
Gobollada kale ee Puntland inay ka soo qaataan wax lacag ah oo wadata
sumada Shillinka Somaliland.
Top
Xiligan Iyo
Duruufaha Burco
Warbixin –Wariye Ka Tirsan Haatuf |
Burco (Haatuf): Iyadoo ay guud ahaan
duruufta adag ee abaartu si weyn u saamaysay gobolada iyo degmooyinka
bariga Somaliland ayey magaalada Burco oo ah gobolka Tgdheer saamaysay
xaaladda abaartu, waxaana amaagaalada ka dhacaysa dabayl cas oo jiilaashin
ah, sidoo kalena duruufaha abaarta ee magaalada ka muuqda waxa ka mid ah
caano la’aan iyo maceeshadda oo qaali noqotay, taasina ay nolosha ka
dhigtay mid adag, iyadoo ay dhinaca kalena jiraan duruufo maamul.
Liibaan Maaweel Shire oo Haatuf ka tirsan ayaa dhowaan booqday magaalada
Burco, kana soo laabtay toddobaadkan, ka dibna warbixin nooga diyaariyey
duruufaha nololeed, xaaladda maamul iyo dhaqdhaqaaqyada ijtimaaciga ah ee
hadda ka jira magaalada, waana tan warbixintii:
“Sida la ogyahay guud ahaan gobolada bariga Somaliland waxa ka jira abaaro
si weyn u saameeyey nolosha dadka iyo duunyada, duruufta caynkaas ahina
meelaha ay saamaysay waxa ka mid ah magaalada Burco, waxaana magaalada ka
dhacaysa dabayl siigo cas wadata, isla markaana magaalada waxa laga waayey
caano xoolaad, maceeshaduna waxa noqotay qaali.
Inta badan ganacsatada waaweyn ee fadhiisimada ganacsi ku leh magaalada
Burco waxay wax kala soo degaan ama ka dhoofsadaan dekedda Berbera, kuwaas
oo badeecadaha ugu badan ee ay debedda ka soo dejiyaan yihiin raashinka,
qalabka dhismaha IWM., kana dhoofiya xoolaha nool. Laakiin dhaqdhaqaaq
badan oo ganacsiga Burco ah ayaa ku xidhan dhinaca Somaliya, ha noqoto
Puntlabd ama ha noqoto gobolada shishe ee Koonfurta Somaliya.
Inta badan badeecadaha bagaashku waxay ka soo degaan dekedda Boosaaso,
sidoo kale noocyo khudaar ah oo ay ka mid yihiin Muuska, Cambaha, Liinta
IWM ayaa laga keenaa dhinaca Muqdisho iyo gobolada kale ee koonfurta
Somaliya, badeecadaha laga keeno Somaliyana waxay u sii gudbaan ilaa
dhinaca gobolada galbeedka Somaliland.
Boqolka (100$-dolar) ee lacagta Maraykanka waxa lagu sarifaa 1.900,000 oo
shillin Somali ah ama lacagta giinbaarta loo yaqaan, iyadoo lacagta
shillinka Somaliga si weyn looga isticmaalo magaalada Burco. Sidoo kale
100 shillin ee Somalilandka ah waxa lagu sarifaa 250 Shillinka Somaliga
ah.
Magaalada Burco oo ahayd sayladda ugu weyn ee ganacsiga xoolaha nool ayey
dhaqdhaqaaqeeda ganacsi iyo nololeed si weyn u saamaysay xayiraadda
ganacsiga xooluhu, taasina waxay keentay hoos u dhac weyn oo dhinaca
dhaqaalaha ah oo saamaysay dhinaca dakhli soo saarka dawladda iyo xaaladda
dhaqaale ee dadweynahaba.
Marka la eego saamaynta ay xaaladda abaartu ku yeelatay dadka nawaaxiga
magaalada Burco ama guud ahaan dadka gobolka Togdheer waxa taagan ama soo
yeedhaysa qaylo-dhaan xoog leh oo ka dayrinaysa xaaladda dadka iyo
duunyada jiidahaa ku dhaqan, waxayna wararku fartu ku fiiqayaan xaalad
walaac leh oo taagan ama soo fool leh, iyadoo ay dadka xaaladda
indha-indheeyey ay abaarta jirta xaaladeeda ku tilmaameen mid leh
sansaantii dabadheer.
Maamulka gobolka oo ka wakiil ah dawladda dhexe iyo maamulka golaha
degaanka ayaa laf-dhabar u ah maamulka Burco, kuwaas oo ay inta badan hoos
yimaadaan hawlaha maamul iyo adeeg, iyadoo ay siyaasadda maamul ee
dawladda hoose dejiyaan ama gacanta ku hayaan 21-kii xubnood ee
dabayaaqadii sannadkii hore laga doortay magaalada Burco, waxaana jira
guddi hoosaadyo kala qaabilsan hawlo kala duwan, kuwaas oo ay tiradoodu
tahay ilaa afar guddi oo kala qaabilsan arimaha dhaqaalaha, nabadgelyada,
bulshada iyo dhulka, waxaana hawlaha guddiyadaa iyo guud ahaan maamulka
dawladda hooseba kulmiya maayarka iyo maayar-xigeenka magaalada.
Inkasta oo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo adeeg ama wax qabad oo ay wadaan
maamulka dawladda hoose, hadana cabasho iyo dhaliil maamul oo ku wajahan
dhinaca maamulka dawladda hoose ayaa ka soo yeedhaya dhinaca dadweynaha.
Masalan waxyaalaha la dhaliilayo waxa ka mid ah dhinaca nadaafadda, iyadoo
tusaale loo soo qaato Kawaanka xoolaha lagu qalo (Xero-dhiigta), taas oo
ay xaaladeeda nadaafadeed aad u liidato.
“Hooyo bal eeg meesha aanu wax ku qalno saxa-xumadeeda”, sidaa waxa tidhi
Cibaado Nadiif oo ka mid ah hooyooyinka ka xoogsada goobtaa.
Cilmi Diiriye ayaa isna yidhi “Wadooyinkii ayaa dib u xidhmay, hadana
Khamiis walba waxay wadaan olole nadaafadeed, maayarkuna markii uu
maayar-xigeenka u ahaa Ina Waqaf ayuu si fiican u shaqayn jiray, balse
waxaan u malaynayaa inay kuwan golaha degaanku majarihii ka habaabiyeen”.
Waxa kale oo ay dadku dhaliilayaan sida loo maamulo dakhliga dawladda
hoose, iyadoo ay dadka qaar leeyihiin lacagta cashuurta ah dadka waxba
looguma qabto. “Lacag baa dadka masaakiinta ah laga soo ururiyaa, waxna
looguma qabto” sidaana waxa yidhi ninka magaciisa la yidhaahdo Mukhtaar
Ismaaciil Maxamed. Laakiin dhaliilaha loo jeedinayo ka sokow waxay
dawladda qabataa adeegyo kala duwan, waxayna dhaqaale ku bixisaa hawlaha
dhinaca nabadgelyada.
Dhinaca waxbarashada marka la eego ilaa saddex dugsi oo kuwo sare ah ayaa
magaalada Burco ku yaal, kuwaas oo kala ah Farsamada gacanta, SH. Cismaan
Nuur iyo Sh. Bashiir, laakiin saddexdaa dugsiba hadda way burbursan yihiin
oo mid-na ma shaqeeyo, tusaale ahaan ardaydii wax ku barran jirtay dugsiga
Sh. Bashiir ee dhowaan la gubay waxay hadda ku meelgaadh ahaan wax ugu
dhigtaan dugsiga Machadka la yidhaahdo. Iyadoo aan weli la dayactirin
dugsigii la gubay ee Sh. Bashiir.
“Markii la gubay dugsigii aanu wax ku barran jirnay dawladdu waxay
sheegtay in dhakhso loo dhisi doono, markaa maxay u dhisi la’dahay ama
talaabo uga qaadi la’dahay dadkii gubay”, sidaa waxa yidhi Ismaaciil Cumar
Faarax oo ka mid ah ardaydii dugsiga Sh. Bashiir.
Sidoo kale waxa magaalada ka furan ilaa 7 dugsi oo H/dhexe ah, balse waxa
dugsiyada burbursan ee aan ilaa hadda ka soo kaban burburkii dagaalada ka
mid ah dugsiga hoose ee la yidhaahdo Siyaad; dugsigaas oo ay
kaamboolkiisii hadda ku jiraan dad gaar ahi oo ay si gaar ah ugu
shaqaystaan.
Bilayska oo ah hawl-bawlaha dhinaca nabadgelyada waxa haysta duruufo badan
oo marka dhinac laga eego laba-dibleeyey itaalkooda adeeg, waxayna
dhibaatooyinka ugu badani ka haystaan dhinacyada isgaadhsiinta iyo
gaadiidka, laakiin intaas oo qudha ma aha duruufaha haystaa ee waxa jira
duruufo dhaqaale, dirays la’aan iyo waxyaalo kale.
Cusbataalka guud iyo saddex xanaano (MCH) ayaa ku yaal magaalada Burco,
waxaana Cusbataalka guud ee Burco gacanta ku haysay hayadda samafalka ee
COOPI, laakiin hayaddaasi waxay magaalada ka guurtay, ka dib markii uu
dhacay dilkii maamulihii dugsiga sare ee Sheekh iyo afadiisii, taasina
waxay naafo weyn u geysatay xaaladda Cusbataalka iyo guud ahaan adeegyada
caafimaad ee magaalada.
Inta badan biyaha nadiifta ah ee magaaladu cabto waxay ka yimaadaan saddex
oo ay mid ka mid ah dhowaan qodday hayadda HAPITATE, mana jiraan
cabashooyin dhinaca biyaha ahi”. Top
| Reer Ceerigaabo
Oo Go’aansaday Inay U Gurmadaan Dadka Abaartu K Habsatay |
Ceerigaabo (Haatuf): Hogaamiyayaasha kala
duwan iyo ganacsatada reer Ceerigaabo ayaa shalay markii u horaysay
go’aansaday inay gurmad degdeg ah la gaadhaan meelaha ugu darran gobolka
Sanaag ee abaartu ku habsatay, waxayna sidaa ku gaadheen shir ka dhacay
xarunta dawladda hoose ee Ceerigaabo.
Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen madaxda maamulka, ganacsato,
madax-dhaqameedyo, culimo’udiin iyo wax garadka kale ee reer Ceerigaabo,
waxa lagu gorfeeyey dhibaatada ee abaarta gobolka ka taagan, waxaana lagu
go’aansaday in ugu horayn wax loola cararo meelaha biyo la’aanta ba’ani ka
jirno.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaaga C/rashiid Xasan
Cabsiiye ayaa ku soo waramay inuu kulankaa qabanqaabiyey kusimaha maayarka
Ceerigaabo, oo ah maayar-xigeenka, Saalax X. Xasan Axmed, wuxuuna Saalax
isaga oo ugu horayn ka hadlaya ujeedada shirka yidhi “Sida aad ka war
qabtaan mudooyinkan dambe waxa lagu mashquulsan yahay sidii dadka
dhibaatada abaartu haysato loo taakulayn lahaa, markaa waxa muhim nala
noqotay inay dadka reer Ceerigaabo bilaabaan hawlaha gargaarka dadka
abaaruhu hayaan, maalmaha soo socdana aynu biyo gaadhsiino degaamada ugu
darran gobolka dhinaca harraadka”.
Waxa kale oo iyaguna shirkaa ka hdalay Maxamud Dirir iyo Yaasiin Ducaale
oo ka mid ah guddi ay degmada Ceerigaabo u magacawday hawlaha gurmadka
abaaraha, kuwaas oo soo jeediyey in dadka lagu wacyi geliyo sidii ay u
bixin lahaayeen qaadhaanka iyo gaadiidka lagu taakulaynayo dadka abaartu
tabaalaysay.
Caaqil C/kariin X. Ducaale ayaa isna ka mid ahaa raggii kulankaa ka hadlay,
wuxuuna ugu horayn cambaareeyey qiimayn dhinaca abaarta ah oo ay soo
saareen qaar ka mid ah hayadaha samafalka caalamiga ah, taas oo uu sheegay
inay degaamada gobolka sanaag u kala qaybiyeen qaar Somaliland ah iyo qaar
Puntland ah, sidoo kale waxa uu sheegay inaanay qiimayntooda ku darrin
degaamo ay abaartu si xun uga jirto. Laakiin Caaqil C/kariin isaga oo la
hadlay reer Ceerigaabo waxa uu yidhi “Waar dad illaahay ka baqaya oo
habeen iyo maalin-ba shaqeeya guddi inooga dhiga, maanta looma baahna nin
dadka kala qoloqoleeya ama kharashka badiya”.
Waxa kale oo isna kulanka ka hadlay Caaqil Xuseen Xasan Cali, ganacsade
Axmed Shire Ismaaciil, ganacsade Calanle iyo Axmed Xuseen, waxayna
xubnahani ku taliyeen ilaa laba qoddob oo kala ah:
In dadka reer Ceerigaabo dhul-daaqsimeedka ama dooxooyinka ay
ceshiimeeyaan ay wax ka siiyaan oo u ogolaadaan dadka ku soo hayaamay ee
uu xaalufku dabada ka waddo iyo inuu maamulku dawladdu xil iska saaro wax
ka qabashada fusuqa iyo xumaanta oo ay sheegeen inay Ceerigaabo ku soo
badamayaan, taas oo bay yidhaahdeen ay cadho illaahay ka iman karto.
Kusimaha badhasaabka sanaag C/casiis Xasan Siciid ayaa isna munaasibadaa
ka hadlay, wuxuuna ugu horayn sharax ka bixiyey guddiga abaaraha iyo waxa
ay hawlahoodu yihiin, isaga oo sheegay inay yihiin guddi farsamo ee aanay
ahayn guddi dhaqaale. Waxa kale oo uu C/casiis sheegay in qiimaynta
hayadaha uu Caaqil C/kariin carrabka ku dhuftay ay guddiga abaaraha
gobolka sanaag isla garteen inay tahay mid qaldan, sidaa darteedna aan la
raacin tilmaamaha ay hayadahaasi bixiyeen ee u qaybiyeen degaamada gobolka,
wuxuuna badhasaab-xigeenku hadalkiisa ku soo gunaanaday “Guddiga abaaraha
gobolku waxay diyaariyeen xafiis, 15 booyadood oo biyo ah iyo gaadiid
loogu talo galay in gurmadka lagu sameeyo”.
Ugu dambayn waxa uu shirku isla qaatay in qiimaynta dhinaca abaaraha ee ay
hayadaha samafalka caalamiga ah qaarkood sameeyeen ay tahay mid qaldan,
waxayna go’aansadeen Jimcaha maanta dadweynaha reer Ceerigaabo lagala
hadlo meel fagaare ah iyo hawlaha gurmadka abaaraha si degdeg ah loo
bilaabo.
Top
| Cismaan Kaluun
Iyo Sababta Dhabta Ah Ee Uu Isaga Casilay Maamulka Kooxda Cabdiqaasin |
Muqdisho (Haatuf): Cismaan Jaamac Cali (Cismaan
Kaluun) ayaa shalay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inuu iska casilay
jagadii ra’iisal-wasaaranimada ee uu ka hayey maamulka kooxda C/qaasin,
istiqaaladaas oo uu Cismaan Kaluun u gud-biyey C/qaasin waxa la sheegay
inuu ka aqbalay.
Warar dhinaca Muqdisho ka soo baxay ayaa sheegay inay istiqaaladda Cismaan
Jaamac sababtay khilaaf hadda inmuddo ah soo jiitamayey oo u dhexeeyey
Cismaan kaluun iyo C/qaasin, laakiin Cismaan Kaluun waraysi uu shalay
siiyey idaacadda BBC-da iyo qaar ka tirsan saxaafadda Muqdisho wuu
beeniyey inuu khilaafkaasi jiray, isaga oo ku dacwiyey inuu u madax
banaanayo oo uu ka shaqaynayo wax uu ku tilmaamay dib-uheshiisiinta
Soomaaliyeed oo uu u tafaxaydanayo.
Rag xog-ogaal u ah arimaha sababay iscasilaadda Cismaan Jaamac oo ay
qaarkood masuuliyado kaga magacaaban yihiin maamulka kooxda C/qaasin ee
isku magacowda dawladda ku meelgaadhka ah ayaa tafaasiil ka bixiyey
asbaabta uu Cismaan Jaamac isu casilay, waxayna tilmaameen dhawr sababood.
Sida uu sheegay nin magaciisa qariyey oo ka mid ah ragga mansabyada kaga
magacaaban maamulka kooxda Carta Cismaan kaluun waxa uu ku magacownaa
ra’iisalwasaaraha ku meelgaadhka ah, laakiin waxa uu indhowaale naawilayey
inuu C/qaasin ka dhigto ra’iisal-wasaarihiisa rasmiga ah, taasna sida la
sheegay C/qaasin diyaar uma ahayn, iyadoo ay wararku sheegeen inuu jagadan
la doonayey nin ka soo jeeda qabiilka ay ka soo jeedaan raggii Cismaan
Jaamac uga horeeyey jagadan.
Ammuurta labaad ee la sheegey inay isku jiidheen Cismaan Kaluun iyo C/qaasin
waxay tahay iyadoo uu Cismaan Kaluun u ololaynayey sidii ay kooxda uu ka
tirsan yahay ee uu C/qaasin horjoogaha ka yahay ugu noqon lahayd shirka
Nayroobi oo ay hore uga soo cadhoodeen, kana soo baxeen, laakiin rayi’ga
caynkaas ah ay saaxiibadiisa la kooxda ee uu C/qaasin ka mid yahay ganafka
ku dhufteen.
Ta kale markii ay isqabteen C/qaasin iyo kooxdii kale ee ay ka mid
ahaayeen ra’iisal-wasaarihiisii hore Xasan Abshir iyo ninkii
ra’iisal-baarlamaanka u ahaa ee Cabdalle Deerow Isaaq ninka la yidhaahdo
Cismaan Kaluun waxa uu dedaal badan u galay sidii uu saaxiibadii u
heshiisiin lahaa, ka dibna ay shirka uga wada qayb geli lahaayeen, balse
taas kuma uu guulaysan, laakiin dedaalkiisa caynkaas ah intaa kuma joojin
ee waxa uu dedaal badan oo kale u galay sidii uu saaxiibadiisa C/qaasin ka
mid yahay ugu qancin lahaa inay dib ugu noqdaan shirka Nayroobi, isaga oo
sheegay inaan dawlad aan jirin waqtiga la iskaga lumin, hase yeeshee
Cismaan markii uu ku hungoobay dedaaladiisa caynkaas ah, isla markaana uu
ogaaday inaanu C/qaasin nafsad wanaagsan u hayn ayuu aakhirkii go’aansaday
inuu iska casilo xilkii uu sida ku meelgaadhka ah ugaga magacownaa
maamulka kooxda C/qaasin, isaga oo ku dacwiyey inuu ka shaqayn doono dib u
heshiisiinta Soomaaliyeed iyo baadi-goobka dawlad Soomaali-weyn. Top
| Xaflad Lagu Soo
Geba-Gabeeyay Tartankii Ciyaaraha Koobka Ramadaan Ee Boorama |
Boorama (Haatuf) – Xaflad lagu soo
geba-gabeeyay tartanka kubadda koleyga ee koobka Ramadaanta ayaa shalay
lagu qabtay garoonka kubadda koleyga ee Boorama.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorama, Maxamed Cumar,
xafladdan oo ay soo abaabuleen ururka dhallinyarada ee lagu magacaabo
SAYS, waxaa abaalmarino lagu gudoonsiiyay qaar ka mid ah kooxaha kubadda
koleyga ee Boorama, waxaana xafladaas ka soo qayb-galay Maayarka Boorama,
Culimaa’udiin, kooxaha ciyaaraha, madax-dhaqameedyo, saraakiisha ciidamada
iyo marti-sharaf kale.
Maayarka Boorama oo hadal u jeediyay kooxaha ciyaartoyda reer Boorama,
wuxuuna sheegay in ay ciyaarahaasi ku dhammaadeen si nabadgelyo ah, waxa
kale oo uu maayarku sheegay inuu kooxaha ciyaartoyda ku dedaali doono
sidii uu garoomada ugu hagaajin lahaa.
Sheekh Muuse Goodaad oo ka tirsan odayaasha golaha Guurtida, ayaa isna
munaasibaddaa ka hadlay, wuxuuna xusuusiyay dhallinyaradaa falalka
murigada leh ee beryahan dambe laga sheego dhallinyarada ama kooxaha reer
Boorama, wuxuuna kula taliyay inay bahda ciyaaruhu soo saaraan kooxo
ciyaaryahano ah oo wanaagsan oo aan is dillin, si looga ogaado caalamka
heerka wanaagsan ee ciyaaraha Boorama.
Gudoomiyaha ururka Dhallinyarada ee SAYS, C/risaaq Faarax Xasan (Barako),
ayaa isna munaasibaddaa ka jeediyay warbixin ku saabsan qaabkii loo
abaabulay tartankii ciyaaraha koobka Ramadaanta oo koobabka la kala siiyay
kooxda kubadda koleyga ee Ciidanka Qaranka iyo kooxda kubadda cagta ee
Saylac, isla markaana Gudoomiyaha ururka dhallinyarada ee SAYS, waxa uu ka
waramay heerarkii kala duwanaa ee uu tartankani soo maray, isagoo
tilmaamay in ay dhallinyarada ciyaaraha ee reer Boorama dhibaatooyin ka
haystaan dhinaca garoomada ciyaaraha, taas oo uu ku tilmaamay in ay inta
badan keento dagaalada dhexmara kooxaha ciyaartoyda, wuxuuna ka codsaday
shacbiga iyo dawladdaba in ay gacan ka siiyaan sidii ay ciyaaraha gobolku
u taabo geli lahaayeen. Top
|
Aqoon-Isweydaarsi Lagaga Digayo Halista AIDS-ka Oo Lagu Soo
Geba-Gabeeyay Burco |
Burco (Haatuf) – Aqoon-isweydaarsi soconayay
muddo lix maalmood ah oo lagaga hadlayay khatarta uu leeyahay HIV AIDS
ayaa xalay lagu soo geba-gabeeyay magaalada Burco, waxaana
aqoon-isweydaarsigaas meel-mariyay urur dhallinyaro oo la yidhaa SODOHACO,
iyadoo xafladdan lagu qabtay Machadka luqadaha ee Ramadaan.
Xafladdan waxa ka soo qayb-galay marti sharaf badan, waxaana ugu horeyn ka
hadlay gudoomiyaha ururkan dhallinyarada ah, Maxamuud Saleebaan, wuxuuna
yidhi: “Waxaanu ururkan u samaynay in aanu ururino dhallinyarada ku
dayacan gidaarrada, uguna digno waxyaabaha dhaqan-xumada keenaya, isla
markaana aanu geyno iskuulo ay wax ka bartaan, waxaanuna ku jirnaa dedaal
badan.”
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Burco, Axmed Aadan
Yuusuf, waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Axmed Yuusuf oo ah hawl-wadeen
ka socday hay’adda ICD oo aqoon-isweydaarsigan maalgelisay, wuxuuna Axmed
sheegay in cudurka HIV AIDS faro baas ku hayo caalamka soo koraya, isagoo
sheegay in faafitaankiisa ay keenaan waxyaabaha dhaqan-xumada ah, taas
darteedna wuxuu dhallinyarada uga digay in ay ka feejignaadaan waxyaabaha
dhaqan-xumada ah, isagoo tilmaamay in halistiisa lagaga badbaadi karo ku
dhaqanka diinta Islaamka iyo dhaqamada wanaagsan.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Maamulaha Dugsiga Ramadaan, Maxamuud
Cismaan Maxamed oo tilmaamo ka bixiyay muhiimada uu aqoon-isweydaarsigani
lahaa iyo dhaqanka wanaagsan ee looga baahan yahay da’ yarta soo koreysa. Top
| Ilaaliyihii
Gaarka Ahaa Ee Usaama Oo La Xukumay |
Baarliin (W.Wararka) Maxakamad ku taala
Dalka Jarmalka ayaa Afar Sanadood oo xadhiga ku xukuntay Shaadi Cabdala,
oo ahaa Gaadh hayihii Usaama Binu Laadin, iyadoo lagu eedeeyay inu qayb ka
qaatay weeraro argagixiso ah o ka dhan ah Yuhuuda. Shaadi Cabdala oo ay
da’diisu tahay 27jir, waxa uu qirtay inuu ahaa Gaadh hayaha gaarka ah ee
Usaama, balse xukunka khafiifka ah ee Maxkamada waxa sabab looga dhigay
isagoo Ciidamada sirta ee Jarmalaka siiyay macluumaad faro badan oo ku
saabsan saaxiibadiisa Alqaa’iida.
Dhinaca kale Dawladda Yemen ayaa sheegtay in ay meel caasimaddeeda Sanca
ku dhow ka soo qabatay oo soo xidhay nin sare oo ka tirsan shabakadda Al-qaacidda.
Warku wuxuu sheegayaa in Maxamed Xamdi Al-Ahdal ay dhici karto in uu door
muhiim ah ka ciyaaray qarxintii markabkii Mareykanka ee USS Cole saddex
sano ka hor iyo weliba markabkii shidaalka ee Faransiiska ee sidoo kale
lagu weeraray meel ka baxsan xeebta dalka Yemen. Sarkaal sare oo miltari
oo Mareykan ah ayaa ku tilmaamay soo qabashada ninkaasi tallaabo wanaagsan,
laakiin waxa uu intaasi ku daray in ninkan la soo qabtay ee la tuhunsan
yahay aan loo arkaynin xubin ka tirsan maamulka sare ee Al-qaacidda.
Magaalada Washington gudaheeda, saraakiisha gaashaandhigga ee Mareykanka
ayaa u arkaya xadhigga ninkan la soo qabtay in ay tahay guul u soo hoyatay
dowladda Yemen iyo weliba calaamad muujinaysa in dawladda Yemen ay ka
daacad tahay dadaalkeeda ay ku burburinayso shabakadda Al-qaacidda.
Nin ka mid ah saraakiisha xagga difaaca ee Mareykanka ayaa sheegay in
Maxamed Xamdi Al-ahdal loo arkayo in uu ku jiray darajada qorsheeyeyaasha
hawlaha Al-qaacidda ee aanu ka mid ahayn ragga sar-sare.
Sarkaalkani waxa uu sheegay in soo qabashada ninkani ay muhiimad leedahay
gaar ahaanna in uu ahaa kuwa ka hawlgala Yemen gudaheeda iyo gacanka
carbeed, laakiinse aanu ka mid ahayn ragga Al-qaacidda istraatiijiyada u
sameeya amaba xubin ka ahayn raggeeda sar-sare.
Waxaa kaloo la sheegay in ninkan cusub ee la soo qabtay uu door muhiim ah
ka soo ciyaaray weerarkii lagu qaaday markabkii Mareykanka ee USS Cole ee
dekedda Cadan saddex sano ka hor, halkaasoo ay ku dhinteen 17 nin oo bad-mareennada
Mareykanka ka tirsan, iyo weliba sidoo kale markabkii shidaalka ee
Faransiiska ee dibadda xeebta Yemen lagu weeraray sanadkii hore.
Mid ka mid ah saraakiisha sir-doonka Mareykanka ayaa sheegay in haddii
lagu caddeeyo ninkan la soo qabtay in uu ku lug lahaa weerarkii dambe ay
taasi noqonayso horumar macno leh. Top
| Bush Oo Si
Lama Filaan Ah Booqasho Qarsoodi Ah Ugu Tegay Ciraaq |
Baqdaad (W.Wararka) Madaxwaynaha Dalka
Maraykanka Bush ayaa booqasho qarsoodi ah oo lama filaan ah maalintii
shalay ku tagay Caasimada Dalka Ciraaq ee Baqdaad, si uu sare ugu qaado
niyada iyo mooraalka ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq, ka dib
markii ay guul darooyin soo gaadheen Ciidamada maraykanka, taasoo keentay
inay niyad jabaan.
Booqashada Bush oo aan hore loo sii sheegin waxay ku timid si sir ah,
taasoo ay u sabab tahay cabsi laga qabay dhinaca amaankiisa, isaga oo ka
anbabaxay beertiisa uu ku leeyahay Gobalka Texas, isagoo shalayna gaadhay
Baqdaad, waxaanu ku sugnaa halkaasi muddo Laba Saacadood iyo badh ah.
Khudbad gaaban oo uu Madaxwaynuhu u jeediyay askartiisa waxa uga mahad
naqay hawsha ay hayaan “ Waxaan idiinka sidaa dhambaal Shacbiga Maraykanka
waananu idiinku mahad naqaynaa hawsha aad haysaan, waanan idin daba
taaganahay” ayuu yidhi Bush.
Dhinaca kale Pentagonka ayaa sheegey in ciidamadii hore u joogey Ciraaq
lagu soo dari doono ilaa 3,000 oo ciidamo Mariines ah oo dheeraad ah.
Bishan bilowgeedii waxa xarunta Miletriga Mareykanka laga hogaamiyo ee
Pentagonku ay daaha ka qaadey, qorshe weyn oo boqollaal Kun oo ciidamo
cusub loogu dirayo Ciraaq, kuwaas oo lagu bedelayo ciidamada tiradoodu
gaadheyso 125 Kun oo askari oo haatan halkaas jooga.
Haatan waxa lagu dhawaaqey in saddex urur oo kale oo ka tirsan ciidamada
Mariineska ee Mareykanka lagu soo dari doono tiradii hore loo qorsheeyey
in loo diro Ciraaq sanadka cusub ee soo socda.
Taas macnaheedu waxa uu ka dhigan yahay in ilaa saddex Kun oo askari oo
kale lagu dari doono ciidanka Ciraaq u socda.
Laakiin saraakiisha Mareykanku waxa ay leeyihiin tirada ciidamada
dheeraadka ah ee gargaarku intaas wey ka badan doontaa.
Sidaas oo ay tahay saraakiisha Mareykanka ayaa ciidamada dheeraadka ah ee
loo dirayo Ciraaq aan wax ka soo qaadin oo ku sheegey iney tahay bedel yar
oo lagu sameeyey qorshihii hore.
Waxa saraakiishu ay gaashaanka ku dhufteen in ciidamada la kordhiyey ee
loo dirayo Ciraaq ay tahay natiijo ka dhalatey dib u qiimeyn lagu sameeyey
xaaladda ammaanka ee Ciraaq, halkaas oo todobaadyadii ugu dambeeyey ay
rabshadaha ka socda ay kor u sii kacayeen.
Ciidamado Mareykanka ee la kala wareejinayo iyadoo qaarna la geynayo
Ciraaq kuwa kalena la daadgureyn doono afarta bilood ee u horeysa sanadka
cusub, ayaa loo arkaa iney yihiin dhaqdhaqaaqii ugu weynaa ee lagu sameeyo
ciidamo Mareykan ah oo noocooda ah tan iyo intii ka dambeysey dhammaadkii
dagaalkii adduunka ee labaad.
Pentagonku marnaba meesha Kama ay saarin in ciidamada ka jooga Ciraaq
tiradooda kor loo qaado, haddii xaaladda jirta ay sidaas u baahato.
Laakiin wakhtigan haatan la joogo waxa ay u muuqataa in ujeedadu ay tahay
in markii la dhameeyo ciidamada la isku bedelayo, ka dib Mareykanku uu
doonayo in ciidamo ka tiro yar kuwa haatan ka jooga Ciraaq ay halkaas ku
hadhaan. Top
| Xaalada
Maxaabiista Guwaantanaamo Oo Laga Dayriyey |
London (W.Wararka) Xaakin ka mid ah kuwa ugu
sarreeya dalka Britain ayaa Mareykanka ku cambaareeyey in uu boqollaal
ruux uu Maxkamad la'aan ku xidhay Guantanamo Bay oo ku taalla jasiiradda
Cuba.
Wuxuuna arrintaa ku tilmaamay caddaalad-burbur gurracan.
Lord Justice Steyn oo qaada dacwadaha Maxkamadda ugu sarreysa dalka
Britain, kana tirsan aqalka Odayaasha, waxaa uu sheegay in dadka lagu
tuhunsan yahay Al-Qaacida iyo Daleban si badheedh ah loogu hayo meel ka
baxsan sharciga iyo maxkamadaha.
Hadal uu London ka jeediyey ayuu ku tilmaamay in waxa ka socda Guantanamo
ay yihiin qaar aan lahayn xataa inta ugu yar ee si caddaalad ah dad loogu
maxkamadayn karo.
Wuxuu ku tilmaamay in maxaabbiista ay joogaan meel aan sharci qaban,
maxkamadi cid ka badbaadin Karin, go'aankuna uu gacanta ugu jiro kuwii
adkaaday.
Lord-ku wuxuu sheegay in Mareykanku dembi u gefey sharciga, wuxuuna
wasiirrada Biritishka kula dooday in ay cambaareeyaan go'aanka ah in xataa
hal maxbuus lagu hayo xeradaasi. Top
| 200 Oo Qof Oo
Ku Dhintay Dooni Ku Qaraqantay Dalka Kongo |
Kinshasa (W.Wararka) Masiibo ayaa ku
habsatey dooni dad badani ka buuxaan oo socotay haro weyn oo ku Taal
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo.
Wakiil ka tirsan Hey'adda Samafalka Fransiiska ee Dhakhaatiirta aan
soohdimaha lahayn ee Medicines Sans Frontiers oo ah hey'adda kaliya ee
haatan joogta barta masiibadu ka dhacdey ayaa sheegey in ugu yaraam 118
qof meydkooda lagu soo gurey harada Mind dumbe, iyadoo ay boqolaal qof oo
kalena la la’yahay.
Laakiin waxa suurtagal ah in dadka doonidaasi wax ku noqdey ay intaas ka
badan yihiin iyadoo uu durba Wasiirka Caafimaadka ee Congo uu sheegay in
dad ku dhow 200 oo qof laga soo saarey biyaha haraadaasi.
Burburka doonidaasi waxa uu galabnimadii Salaadada ka dhacey meel
qiyaastii 400 oo KM dhinaca woqooyi ka xigta magaalada Kinshasa ee
caasimadda u ah Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, laakiin xaalkeedu
dhabta ah ee doonidaas weli ma kala cadda.
Madaama gobolka doontu ku qaraqantey uu caasimadda ka durgsanyahay
isgaadhsiinta gaobolkaasina uu liito ayaa wararka doonidaasi ay hadda uun
soo gaadhayaan caasimadda Kinshasa.
Ilaa iminka hal dhakhtar oo ka socda hey'adda Medicins Sans Frontiers iyo
dadka aaggaas ku nool kaliya ayaa u gurmadey baadhista dadka weli nool ee
saarnaa doonidaas.
Koox caafimaad oo gurmad ah oo u socota Harada doontu quustey ayaa ka
baxaya Kinshasa.
Masuuliinta dalka Congo waxa ay masaa'ibka qabsadey doontaas ku eedeeyeen
duufaanno roobab badan watey oo baryahan dalka ka da'ay, laakiin doonyaha
ka shaqeeya Congo waxa ay caan ku yihiin in aan si wanaagsan loo
daayactirin iyadoo mararka qaarna la saaro rakaab iyo xamuul ka badan
intii loogu talagaley. Top
| ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Haloo Guramado Dadka Abaartu Ku Habsatay |
Marka hore Ururka Samafalka ee SOHA wuxuu
leeyahay dadka reer Somaliland iyo kuwa muslimiinta ah meel ay joogaanba
ciid wanaagsan, ilaahayna haynaga aqbalo soonkii Ramadaan ee aan gudanay.
Waxaana habboon inagoo soomanayn bishii ramadaan oo xasuusan dareenka ay
leedahay baahidu, inaan ka qayb qaadano gurmadka loo fidinayo dadka
abbaaraha ku waxyeeloobay ee aan haysan waxay ku afuraan iyo farxad ay ku
ciidaan.
Marka labaad sida dadka badankiisu ka warhayaan, Somaliland waxaa ka
taagan abaar ba’an oo ku habsatay guud ahaan dalka Somaliland si gaar ah
usii saamaysay.
gobolada bari ee dalka siday ku dhawaaqday xukuumadda Somaliland oo
caddaysay in saddexda gobol ee bariga ay ka dhacday masiibo dabiiciya, waxaana
xukuumaddu ka codsatay bulshada caalamka inay caawimo deg deg ah la’ soo
gaadhaan dadkaas abaartu wax yeelaysay, waxaa kaloo iyana ka dayriyey
xaaladda ba’an ee ka taagan goboladaas hay’adaha aan dawliga ahayn ee
Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka baxiya.
Dhawaan baaq ay soo saartay Wasiirka Amuuraha Dibadda ee Somaliland ayaa
sheegtay in jawaabta ilaa hadda hay’adaha caalamku ka baxiyeen arrinta
abbaaraha ay gaabis tahay. Waxaanay dhiirigelisay in loo gurmado dadkaas
ay waxyeeladu kasoo gaadhay xaaladda abbaaraha.
Guddi madax bannaan oo maamusha caawimada
gurmadka ah ayaa iyana dhawaan laga sameeyey gobolka Togdheer. Guddidan oo
ka kooban dad caan ka ah gobolka oo isugu jira madax hore uga soo
shaqaysay gobolka, culumaadiin, madax dhaqameed iyo aqoon yahaniinba waxay
dhawaan baaq qaylo dhaan oo soo saareen ka dayriyeen xaaladda ba’an ee ka
taagan gobolada bari iyagoo ku tilmaamay in goboladaas ay ku habsatay
musiibo aadaminimo. Guddidani waxay ugu baaqeen bulshada caalamka in
gurmad deg deg ah lala soo gaadho si loo bad baadiyo nolosha dadkaas ku
waxyeeloobay abbaaraha. Waxaana jira xidhiidho badan oo guddida gurmadka
abbaaruhu lasoo sameeyeen jaaliyadda reer Somaliland ee dibadaha.
Siday sheegeen madaxda xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha
gargaarka Bini’aadaminimada ee (UN Office Co-ordination Humanitarian
affairs OCHA) waxay tilmaameen in 90, 000 oo reer guuraa ahi ku sugan
yihiin gobolada Bariga Somaliland noloshooduna ay halis ku jirto.
Ka dib markii ay heleen baaqyadaas qaylo
dhaan ah ee is daba jooga ah ee ka imanaya waddankii hooyo ayaa xubno
kamid ah jaaliyadda reer Somaliland ee deggan Waddanka Ingiriisku
aasaaseen urur samafal oo cusub oo loogu magac daray Ururka gar-gaarka
Aadaminimo ee Somaliland (Somaliland Humanitarian Agency) oo loo soo
gaabinayo (SOHA).
Haddaba ururkan SOHA oo ujeedadiisu tahay inuu ka qayb qaato gurmadka deg
degga ah ee loo fidinaayo dadkaas abbaaruhu ku habsadeen. Waxa
ujeedadiisa ugu weyni tahay sidii baaqyo iyo qaylo dhaan loogu diri lahaa
bulshada caalamka iyo hay’adaha gargaarka baxsha.
Maamulka ururku SOHA wuxuu ka kooban yahay 7 xubnood oo isugu jira wiilal
iyo Gabdho, waxaanu ururku leeyahay dastuur, qorshayaal, iyo qaab dhismeed
dhamaystiran, waxaanu isu xilsaaray u gurmashada dadkaas tabaalaysan si
mutadawacnimo iyo hor Ilaahay ah.
Maamulka SOHA wuxu sameeyey qorshe deg deg ah oo dhaqaale loogu ururinaayo
dadkaas dhibaataysan. Waxaanu ururku ku talo jiraa in hawsha gurmadka loo
kala horraysiiyo sida dhibaatadu ay u kala culus tahay, isla markaana ay u
kala jilicsan yihiin degaamadu.
Ururka SOHA oo xaruntiisa weyni tahay magaalada London, wuxuu laamo iyo
wakiillo ku yeelan doonaa gobolada Somaliland iyo wadamada dibadda, si
bulshada reer Somaliland iyo ta caalamkuba isaga kaashadaan inay dadkaas
tabaalaysani ay helaan gargaar deg deg ah.
Ururka SOHA wuxuu ugu mahad-naqayaa xukuumadda Somaliland oo 23.000 US
dollars ugu deeqday dadka abbaartu wax yeelaysay. Waxay kaloo ugu
mahadnaqayaan ururka Kulanka Bulshada Rayidka ah oo ku deeqay Toban Kun oo
Doollar ($10.000 US dollars) iyo beeralayda Gebilay oo iyana ku deeqay 300
oo jawaan oo raashin ah. Waxaa kale oo Ururku u mahad naqayaa xubno ka
tirsan Jaaliyadda reer Somaliland eek u nool magaalada London oo iskood
dhawaan ugu diray Shan boqol oo Doollar ($500 US dollars) dadkaa
tabaalaysan.
Ururka SOHA wuxu wada shaqayn la bilaabay Guddiga Gurmada Abaaraha ee
Gobolka ee Togdheer, waxaanu la shaqayn doonaa Guddi kasta oo ay
samaystaan dadka deggan Gobalada Abaartu ku habsatay.
Ururka SOHA wuxu baaq u jeedinayaa jaaliyadaha reer Somaliland ee dibaddu
inay ka qayb qaataan gurmadka deg deg ah ee loo fidinayo dadka iyo
duunyada tabaalaysan. Waxaananu dhawaan soo saari doonaa baaqyo iyo
warbixinno ku saabsan qaabka ugu habboon ee loo ururinaayo qaadhaanka
loogu talogalay gurmadka gargaarka deg deg ah qofkastoo aadmi ahna waa u
furantahay.
Ururka SOHA wuxu kaloo ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha
aan dawliga ahayn ee Somaliland ay laban labaan caawimada ay u fidiyaan
dadkaas ay ku habsatay musiibada dabiiciga ahi si loo bad badiyo naflayda
dhibaataysan ee dad iyo duunyaba leh.
Ugu dambayn Ururka SOHA wuxu sida ugu dhakhsaha badan u soo bandhigi
doonaa qorshihii uu ugu talo galay dhaqaale ururinta abaaraha.
Wixii su’aalo ah ee ku saabsan baaqan iyo arrimaha la xidhiidha gurmadka
Abaaraha fadlan waxaad kala soo xidhiidhi kartaa:
1-Ibrahim X. Maxamuud Cali, London
Email address: Janosuge@aol.com
Tel: 07960698606
2-Ahmed Waqaf, London
Email address: waqaf@hotmail.com
Tel: 07949052332
Waa mahadsantihiin,
Ururka Somaliland Humaniterian Agency, London, UK Top
| Lama Maqal
Wadaad Ka Duceeyey Xabaalo Gaalo Adiga Hortaa |
Alle ayaa mahad leh, saban walba iyo xilli
kasta ka yeelay in la helo culimo u tilmaamaya qofka baadida ah dariiq
toosan, imisa Ibliis dilay oo ku nooladay sababtood, imisa ambaday oo ay
toobiyaha toosan ku rideen, imisa ka hufeen islaamka waxaan ka mid aheyn,
kana saafiyeeyeen waxay moodaan wanaag jaahiliintu.
Sida laga baahiyey warbaahinta gudaha iyo dibadaba waxa lagu qabtay xaflad
diineed loogu ducaynayey Askartii kaga dhimatay Ingiriiska dagaakii 1aad
iyo 2aad ee aduunk, laguna qabtay xabaalaha gaalada ee shacabka Hargeysa,
ducadaas oo ay wada sameeyeen Baadari ka socda kiristanka iyo wadaad
sheegtay in uu ka socdo islaamka, waxaanay ku wada duceeyeen iyaga oo wada
hoostaagan astaanta macatabka e ka taagan xabaalaha gaalada dhexdooda.
Arrintaas oo naxdin iyo amakaak ku noqotay qof kasta oo islaamka oo maqlay
una qaadan waayey inuu xafladaa ka qeyb galay nin wadaad isaama sheeganaya
lana qeybsaday ducadii Baadarigii kiristanka, taas oo muujinaysa inuu
wadaadku raali ka ahaa xafladan iyo ducada baadarigaba, taas oo noqotay
arrin aan hore loo maqal.
Waxa kale oo kasii darnaatay markuu ku faanay wadaadkaasi inuu Baadariga u
raacay xabaalaha, gaalada ku aasanna u soo duceeyey isaga oo ku
andacoonaya waxa ku jira dad islaama.
Haddaba waxa isweydiin leh:
Ma banaantahay in la raaco Baadari adiga oo la fulinaya xaflad diineed?
Ma banaantahay in loo duceeyo gaalo dhimatay?
Ma banaantahay in meel lagu wada aaso gaalo iyo islaam?
Ma banaantahay dad islaama ayaa ku jira xabaalaha gaalada?
Jawaabtu waxay tahay:
Ma banaana in la raaco baadari, iyadoo lala fulinayo xaflad diineed, sida
ku cad aayada 72aad suuratu furqaan, ee alla ku sifeeyey mu’miniinta in
aanay ka xaadirin kana ag dhawaan baadilka (suurka), oo uu ku fasiray
mujaahid iyo mufasiriin kale inay tahay ciiddaha gaalada, taasina waxay ka
dhigan tahay adigoo qiraya inay diintoodu xaq tahay (isaga oo baryaya
ciise) taasina waxay ka hor imanaysaa diinta islaamka.
Ma banaana in loo duceeyo gaalo dhimatay sida ku cad aayadaha suurada
Tawba ee 108 iyo 113aad.
Ma banaana in meel lagu wada aaso gaalo iyo islaam, mana jirto sida uu
wadaadkaasi ku andacooday dad muslimiin ah oo ku aasan xabaalaha gaalada,
waxaana la yaab leh waxa kelidii ogeysiiyey maanta in dad lagula aasay
gaalada 65-sanadood ka hor (Go'baan kuku dadaayee hadaad gama'sanaan
weyday halawda garamo yaan la odhan waa feg xaajaduye)
Ma hadaad dalbatay dood in lagula galo soo caynin wakhtiga iyo goobtaba.
Sh-C/risaaq Maxamed Ciireed
Khaatibka Masaajidka Taqwa-Total Hargeysa. Top
| Ilaalinta
Xuquuqda Waa Loo Simanyahay |
Sida aynu wada ogsoonnahay dawladda
Somaliland waxay soo saartay qaraar ay ku amrayso inay dadka ajanabiga ahi
dalka kaga baxaan muddo Shan iyo afartan cisho gudahood ah, hadaba sababta
bixitaanka dawladdu waxay ku sheegtay iyadoo amaanka ajanabiga la sugayo.
Laakiin taas waxay keentay in meel lagaga dhaco amaanka dadka la saarayo
tan iyo intii lagu dhawaaqay arrintan waxaad arkaysaa dadka masaakiinta ah
oo si loola dhaqmayo iyadoo loo xujaysanayo isla go’aankan dawladdu soo
saartay sida ay ku soo cabanayaan dadka ay arrintani khusayso. Maxamed
Maxamuud Xuseen oo ah oday miskiina waxa uu ii sheegay in maalin suuqa
dhexdiisa lagu waxyeeleeyey, alaab yar oo uu gacanta ku sitayna laga ja
jabiyey waliba cida falkaa u geysatay waxa uu ku tilmaamay askar boolis
ah. Waxa kale oo jira in tuugtu ay isaga badheedheen dadka suuqyada ee
dawarsada ka dawarsada, iyagoo usii maraya isla go’aankan xataa hadaad u
fiirsato waxaad maqlaysaa hanjabaad lagu hayo markasta.
Hadaba waxa isweydiin leh hadaynu ajanibga
nabadgelyadooda ilaalinayno ma ajanibi kale ayeynu nabadgelyadooda
burburinaa!. Mida kale ajanabiga amaankooda la sugayaa wa’ayo?
Kuwa amaankooda lagu tumanayaase wa’ayo?
Iyamaa ina xiga, sidayse inoogu kala xaq leeyihiin?
Jawaabta aan raaciyo markay noqoto xigtada dhabta ah inaga waxa ina xiga
kuwa aynu diin iyo dirba wadaagno oo waliba masaakiin ah isla markaana
jaar aynu nahay.
Laakiin marka si guud looga hadlayo labaduba waa inoo marti midna yaan
waxyeelo loo gaysan dawladdu ciday saaraysana nabadgelyo ha ku saarto cida
u joogaysaana nabadgelyo ha ku joogto hadii kale waxaan la mid noqon
doonaa reer banu Israa’iil kooda sharafta lehna waa dhawri jireen kooda
daciifka ahna waa cadaadin jireen, ayeynaan sidaa noqon hadii kale
masaakiinta dawarsata waxyeeladooda cuqubaa ka dhalan.
Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Booshari)
Hargeysa. Top
| “Shakhsiga Ka
Soo Horjeeda Mabaadii’da Maxamed Aadan Waa Mid U Xaglinaya Ninka
Puntland Khasabka Ku Haysta” |
C/Rshiid Ducaale Qambi
Aniga oo tixraacaya maqaal ku soo baxay wargeyska Haatuf cadadkiisii soo
baxay 25/11/03 oo uu qoray xildhibaan Yaasiin Ismaaciil Cali,
xildhibaankaas oo u jawaabayey waraysi uu isla wargeyska Haatuf siiyey
ninka la yidhaahdo Maxamed Xaaji Aadan oo ah siyaasi reer Puntland ah,
ahna shakhsi wax garad ah oo ciddii taqaan qaderin ku leh ayuu
xildhibaankani si ba’an u dhaliilay afkaarta iyo aragtida Maxamed X. Aadan,
taasina waxay igu keliftay inaan jawaab ka bixiyo.
Marka u horaysa xildhibaanka fekradiisa iyo aragtidiisa siyaasadeed uma
arko inay ka turjumayso waaqica jira Somaliland.
Sida ay C/laahi Yuusuf uga go’an tahay inuu daadkii uu sheegay raaciyo
Somaliland, iyadoo wax uu ugu hamranayaa aanay jirin hadii ay uu
suuragelayso. Sidoo kale ma jirto colaad ay shacabka iyo dawladda
Somaliland u hayaan dadweynaha Puntland, mana jirto faro gelin ay
Somaliland ku samaysaa Puntland. Laakiin marka aan u noqdo dhinaca
maamulka C/laahi Yuusuf waxaad ka warqabtaan inuu sheeganayo gobolo iyo
dhulal ka tirsan Somaliland isaga oo leh isku qabiil ayaanu nahay,
ciidamona ka abuuray meelahaa, isla markaana waxyeelo lama ilaawaan ah iyo
caqabo ku haya midnimada ummadda Somaliland. Xildhibaan waxaad ogtahay
inuu maamulka C/laahi Yuusuf si badheedh ah ugu weeraray madaxweynaha
Somaliland isaga oo joogo degaankeena, taasina ay guud ahaan gef ku tahay
Somaliland, masuuliyiinta Hartigana sharaf dhac ku ah. Qabiil ahaaniyo
degaan ahaanba C/laahi Yuusuf waxa ka go’an Sool, Sanaag bari iyo
Buuhoodle inay noqdaan meelo aanay nabadi ka jirin. Danta koowaad ee uu C/laahi
Yuusuf taa ka leeyahayna waxa weeye inuu Dhul-bahante iyo Warsangeli ka
helo ciidamo uu ku cabudhiyo Majeerteen. Qabqablahaasina hadii uu inoo
danaynayo qabiil ahaan iyo degaan ahaanba fidmo inooma horseedeen. Yaasiin
ahaan waxaad ogtahay inaanu maamulka C/laahi Yuusuf kuu qirsanayn inaad
tahay xildhibaan dawladeed iyo mid qabiil toona.
Yaasiinow Maxamud Saleebaan iyo Majeerteen toona colaadin mayno, xasilooni
darana ka abuuri mayno, una horseedi mayno ee doolaaladaada Ina Yuusuf Yey
miyaanay ahayn wax laga ficiloodo, islawaynidiisa, damiciisa, xukun
doonimadiisa iyo digtaytarnimadiisa, Puntland-se ma wuxuu madax ugu yahay
si dimoqraadi ah, mise si diiniya.
Xildhibaan waxa iga su’aal ah hadii aynu nahay Hartiga Somaliland nabad
maynoo hayaan deriskeena walaalaleheen ee uu horkacayo qabqablahaasi (Maamulkiisa).
Ma deris nabad ah baa, mise waa dhibaato ina kulaalaysa.
C/laahi Yuusuf waxa uu ku doodaa inuu xadkiisu yahay xad qabiil magaalada
Gaalkacayo dhinaceeda koonfureed nabad iyo derisnimo midna kama rabo,
wuxuuna isu yaqaan halyey qabiili ah, taas oo ah been uu isku qanciyey.
Waayo hadii uu qabiili yahay muxuu horseedka ugu noqday fidmadii Siyaad
Barre illeyn isba la qabiil ayuu ahaaye, miyaan been ahayn Hartinimo iyo
qabiil-nimo ayaan difaac ugu jiraa, saw Awrtiisa uun ku kacsan maayo.
Muxuuse C/laahi Yuusuf ka habeen sokeeyaa Jarles Tailer-kii Laybeeriya ee
aaminsanaa inuu dadkiisa xasuuqo hadii aan loo aqoonsan madaxweyne-nimo ,
isaga oo deriskiisana colaad ku hayey.
Marka aynu ka nimaadno Somaliland inteeda kale miyaanay inteena
siyaasiyiinta ah ee Dhulbahante iyo Warsangeli ee Somaliland aaminsan
waajib ku ahayn inaynu la jihaadno maamulka C/laahi Yuusuf, isla markaana
aynu taageerno oo hororkaa dadkiisa iyo dhulkeena ka nabad gelinaysa.
Yaasiinow deris isma hayno, carqaladna ku abuuri mayno ee maxaad uga soke
dhici xikmadda iyo taageerada uu inoo hayo Maxamed X. Aadan. Hartiga
Somaliland guud ahaan iyo cid gaar ah toona hadii aynu danaynayno
Somaliland iyo qabiilnimadeenaba Maxamed X. Aadan inagama mudna inaynu
jaraa’idka ku aflagaadayno ee waxay ahayd inaynu maal iyo muruq-ba
taageerno, hadii ay dawladda Somaliland garab siiso, maba dhicine sidaad
ka dareen qabto, wax tar bay reer Sool iyo sanaag bariba u ahaan lahayd,
shakhsiga taa ka soo horjeeda ee degaankaa u dhashayna waxaan ku tilmaami
karaa inuu yahay shakhsi u xaglinaya dhinaca hororka Puntland khasabka ku
haysta.
Yaasiinow, Maxamed X. Aadan guud ahaan Somaliland wuxuu ka mudan yahay
marti gelin, masuuliyiinta dawladda ee Harti ee ku sugan Hargeysana wuxuu
ka mudan yahay soo dhowayn iyo inay garabsadaan. Waxaase la yaab leh sida
aan ka war qabo sida aynu u badanahay masuuliyiinta Hartiga ee Somaliland
inaynaan Maxamed X. Aadan martigelin, magan gelin, nabad-na gelin. Markaa
Yaasiinow intaas ma waxaad ugu dartay inaad jaraa’idka ku weerarto,
miyaanad markaa ahayn ninkii nebi Muuse u hiiliyey ee meeshuu mahad sanid
ka eegayey, isagii sheegay.
Waxaan qoraalkayga ku soo gebegebaynayaa hadii aynu nahay masuuliyiinta,
siyaasiyiinta iyo wax garadka Sool iyo Sanaag bari waa inaynu soo
dhowaynaa oo aynu mabaadi’diisa taageernaa Maxamed X. Aadan maadaama uu
mar walba ka soo horjeedo keli taliye oo dhan, taas oo ah sababta runta ah
ee kuwo badan uga soo horjeestay, ugana tegay”.
C/rashiid Ducaale Qambi, Hargeysa.
Top
Sheeko – Waxa Qoray; A. A. Garas, waxana
Tifaftiray; A. Ducaale
Q: 4aad
Waxa kale oo uu isku qanciyay “Malaha intii aad duunyo caynaanin lahayd,
waxa ka wanaagsan adigoo dad caynaaniya,” waxaase iska caddayd in haddii
la noollaado ay naanaysi Ina Daan-weyne tahay, isla markaana Cawil oo aan
markii horeba walaalkii Askar ammaan iyo hadal wanaagsan-toona ku qabin,
imikana mar haddii uu sidaa yeelay inuu sadqeeyo waxba kuma aha, laakiin
dabka ay doonto ha kulaashee Cawil subaxaa waxa uu afka saaray halkii
Shukri loogu tilmaamay, socodkiisana kadle iyo faddal-dheer mar qudha kama
jimcin, isma ogeyn, waxaana dabada ka tukhaantukinayay jibbada iyo
muxubada uu u hayo Shukri. Waxa kale oo dabada ka riixayay go’aanka jar-iska-xoornimada
ah ee uu qaatay, kaas oo laga yaabo in aanay geesinimona ka madhnayn,
waayo; asbaabta uu go’aankan adag u qaatay waxa ka mid ahaa; isaga oo
maqli jiray odhaahda ah “Ragganimo meel cidhiidhyoon bay ku jirtaa”, waayo,
muxubada hogaan qaadaysa ee Shukri ka sokow, waxa uu Eddadii ku ogaa
ciirsi la’aan, maxaa yeelay gabadhaa ayay wax ubad ah lahayd, sababta ay
Eddadii gabadha u siisayna waxa ugu weynayd inuu Cawil reerka rag u noqdo.
Sidaa darteed, Cawil, waxa uu isku wadaa in haddii uu gurmadkaa ku
guulaysto ay u soo hoyatay libbin aanay cidi la wadaagin iyo caashaqii
ciirsiga u baahnaa shinkii galay.
Cawil waxa uu ahaa nin kabti (orod) badan oo marka uu jiidaasha yahay aan
addinkiisa socodka uga tudhin. Cawil haddii uu socod maago, jeenigiisu
hakadka ma aqoon, jidiinkiisuna baahida ma dareemi jirin, wuxuuna ahaa
wiil da’ yar oo ay muruqiisa iyo seediisu caano geel ku liilsameen,
baxarka iyo nolosha adagna ku kabti bartay.
Cawil da’diisu waxay ahayd hillaadii 18 jir, wuxuuna ahaa will qoton leh,
guud ahaana qurxoon, laakiin waxa ka muuqday jaydhafka iyo xaadhufta ay
diifta Jilaalku badday, taas darteedna si aad ah ayuu u bog sollay ama u
jiidh-furay.
Cawil maalintaa dhacdo iyo baxdo mar qudha socod kabti iyo dhababaco ma
kala jarin, wuxuuna saqlihii ku soo jiidhay masaafo aad u kala durugsan.
Cawil Dhoobaale, waxa uu ka dhashay qoys reer Guurraa ah, wuxuuna
reerkooda u ahaa guri-dambays, taas oo ay walaalihii wada mudakar noqdeen
oo aanay cid doob ahi ku hadhin isaga mooyee. Cawil labadiisii waalid way
allaysteen, waxayna ubadkooda uga dhinteen xoolo nool, balse wax mood ah
ugama ay dhiman.
Cawil subaxaas ayaa caydhnimo ugu horaysay inkasta oo uu la qabay badiba
dadkii carradaa ku dhaqnaa oo ay abbaartu caydhnimada ka sintay.
Gabadha Cawil qalbigiisa ka guuxaysa waxa dhashay Eddadii Qaali, laakiin
Shukri iyo Cawil xaga da’da waa isku gedo dhow yihiin, sida la sheegayna
Cawil baa dhallaan ciil weyn, waxayna ahaayeen laba qof oo meel ku soo
wada koray oo aan isu cusbayn, neeftooduna ilaa yaraantii way is
ogolaayeen, wayna wada ciyaari jireen. Sidaa darteed Cawil, waxa uu
maalintaa soo maray dundumo yar oo ay isaga iyo Shukri yaraantoodii ku
ciyaari jireen marka ay maqasha la joogaan.
Cawil iyo Shukri yaraantoodii adhiga ay raacaan waxa looga baqan jiray in
ay dacawo cunto, waayo; sida ay maalin oo dhan isugu mashquulsan yihiin ee
u wada ciyaarayaan ayaa xoolo iyo xaal adduunba dayacmi jireen. Tusaale
ahaan, Cawil iyo Shukri labadooduba la dhaqanka iyo la ciyaarista
carruuraha kale way ka qalloon jireen ama way ku diiqadoon jireen, laakiin
iyagu ma kala xiisa go’i jirin.
Sidoo kale markii ay ciidamiyeen ee ay dad waaweyn noqdeen inkasta oo uu
dhaqankoodii nololleed waxoogaa kala durkay oo uu midba meeshii ku foofay,
haddana qalbigooda iyo dareenkoodu marna ma kala durkin, waxayna had iyo
goor ahaan jireen gacal si gaar ah isugu ololla. Laakiin waxay socotaba
farxadoodii ugu waynayd waxay dhacday markii laysa siiyay dayrnimadii
abaarta ka horaysay.
Cawil iyo Shukri, iyagu arrin guur marna islama kohan, waxase la isku
siiyay tashi waalid, waxaana hindisaha waalidku ahaa in marka biyo gu’ la
arko uu meherkooda iyo aqal-galkooduban dhaco, waxaase tashigaa beeniyay
waayaha adduun iyo abaartii gaag ma reebada ahayd ee dhacday, taasina
waxay keentay in hadhuubka iyo haanta la kala tuuro.
Waxaan maqli jiray:
“Goddob qaade waayuhu,
Laba guur isku oggaa,
Muxuu geed ku kala xidhay.”
Iminka Shukri iyo Cawil, halkii ay guur uga findhicilanayeen, waxa la
kulantay haantaa hadhuub la’ iyo waayo adduun, waxayna duruuftu badday in
ay Shukri halkii ay aroos iyo waaqo ka filanaysay ay macaluul iyo guryo
ba’ay wheel la’ noqotay.
Sidoo kale, Cawil waayaha iyo saxariirka dhacay ayaa talo ka dhabqiyay,
waxayna talo adduun kaga ururtay inuu geellii lagu dhaaddan jiray cidla
kaga dhaqaaqo.
Cawil wuxuu gidiga maalintii kabtiyoba, gabalkii ayaa u dhacay, isaga oo
intaa dhex mushaaxayay dhul uu aad aqoon ugu lahaa jabadkiisa iyo
jeexiisaba, laakiin intaa uu maalin guclaha iyo guuraha habeenimo ku jiray,
mar qudha ishiisu may qaban wax sankiisa neefi gasho, waxaase ishiisa ku
badnaa guri cas ay sida dambaska u dul-tuullan yihiin raqda xoolihii
abaarta ku le’day, kuwaas oo lafahooda iyo dhogortooduba duleedada guryaha
iyo agagaarka waddooyinka xoolaha sida kashkaashka u wadhnaayeen.
La soco. Top
| WAADIGA
CIYAARAHA: Halkee Ayuu Marayaa Hirdanka Kooxaha Yurub? |
C/fataax M. Caydiid Championship League:
Halkee Ayuu Marayaa Hirdanka
Kooxaha Yurub Ugu Soo Gudbayaan Wareega Labaad Ee Tartanka Horyaalka
Kubadda Cagta?
Waa Kuma Kooxaha Ilaa Hadda U Soo Gudbay Wareega Labaad?
Amsterdam (W. Wararka) – Tartanka horyaalka kooxaha Yurub ee loo yaqaan
“Championship League” ayaa labadii habeen ee Salaasadii iyo Arbacadii ay
iskaga horyimaadeen kooxaha ku hirdamaya xilli-ciyaareedkan 2003-2004,
iyadoo ay kooxaha ku jiraa oo dhan 32 kooxood oo loo kala qaybiyay 8
qaybood (Groups) haatan marayaan ciyaartii 5aad ama loogu yeedho “Day
5th”, taas oo ay koox kasta u hadhay ciyaar keliya, kadibna ay labada
kooxood ee guruubkasta u horeeyaa u soo gudbi doonaan wareega 16 kooxood
ee “wareega labaad [second round]”.
Haddaba anagoo idiin soo koobayna natiijooyinkii labadii habeen ee ugu
dambeeyay ee ay kooxaha tartankan ku jiraa wada ciyaareen, iyo guruub
kasta sida loo horeeyo, taas oo aynu midba gooni u soo qaadanayno:
Group A
Celtic 0-0 Bayern Munich
Kooxda Celtic oo gurigeeda lagu ciyaarayay ayaan ku guulaysan in ay kaga
faa’iidaysato oo ay saddex dhibcood uga hesho ciyaartan, walow barbardhac
aan wax goolal ah laysku dhallin ay kula baxeen, haddana kooxda Celtic
waxay ku guulaysatay in ay hogaanka guruubkan qabsato iyadoo leh 7
dhibcood, balse xaga goolasha kaga horeysa kooxda Anderiecht, halka ay
kooxda Bayern Munich kaalinta ugu dambeysa kaga jirto guruubka oo ay
leedahay 6 dhibcood.
Anderlecht 1-0 Lyon
Kooxda Anderlecht ayaa oo ciyaartan ka hor ku jirtay kaalinta ugu dambeysa
lahayd 4 dhibcood oo keliya, ayaa ku soo booday oo timid kaalinta 2aad,
kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay kooxda faransiiska ah ee Lyon oo ay isku
kaalin kuwada jiraan, waxaanay labada kooxood kuwada jiraan kaalinta
labaad oo ay kooxdiiba leedahay 7 dhibcood, goolashana iskaga mid yihiin.
Goolka ay guushu ku raacday kooxda Anderlecht, waxa u saxeexay daqii 69aad
ciyaaryahanka Hannu Tihinen.
Group B
Inter 1-5 Arsenal
Kooxda Arsenal ayaa guul taariikhiya gaadhay, kadib markii ay 5-1 garoonka
San Siro kaga adkaatay kooxda Inter Milan, iyadoo ay rajada kooxda Arsenal
ku xidhnay keliya guul ay ciyaartan ka gaadho, si ay ugu sii nagaado ku
hirdan sidii ay ugu soo gudbi lahayd wareega labaad. Guushan ayaa waxay
keentay kooxda Arsenal in ay kaalinta labaad soo gasho, iyadoo ay dhinaca
goolasha kaga horeyso kooxda Inter oo iyaduna leh 7 dhibcood kaalinta 3aad
ku jirta, waxaanay kooxda Arsenal hal dhibic ah ka dambaysaa kooxda
Lokomotiv Moscow oo 8 dhibcood ku hogaaminaysa Group B.
Goolasha shanta ah waxa u kala dhilayay Thierry Henry oo laba gool u
dhaliyay daqiiqadihii 25aad iyo 85aad, Fredrik Ljunberg oo isna daqiiqadii
49aad u dhaliyay, halka ay ciyaartoyda Edu iyo Robert Pires u kala
dhaliyeen laba gool daqiiqadihii 87aad iyo 89aad. Dhinaca Inter Milan waxa
goolka keliya u dhaliyay weeraryahanka Christian Vieri, daqiiqadii 33aad.
Lokomotiv Moscow 3-2 Dynamo Kiev
Kooxda Lokomotiv ayaa qabsatay hogaanka group B, kadib markii ay gurigeeda
3-2 kaga adkaatay kooxda Dynamo Kiev, guushaas kadibna waxay Lokomotiv
Moscow hogaanka ku qabsatay 8 dhibcood, halka ay kooxda Dynakiv Kiev
khasaarahaa kadib kaga jirto guruubka kaalinta ugu dambeysa oo ay leedahay
6 dhibcood oo keliya.
Ciyaarta ayay kooxda Lokomotiv gool uu daqiiqadii 28aad u dhaliyay Maxim
Buznikin ku hormatay, balse daqiiqadii 37aad ayuu Valentin Belkevich gool
barbardhac ah u keenay kooxda Dynamo Kiev. Mar labaad ayay kooxda
Lokomotiv ku guulaysatay in ay hogaanka ciyaarta qabsato kadib markii ay
rigoore heshay, kaas oo uu saxeexay Sergei Ignashevich daqiiqadii 45aad,
taas oo ay haddana kooxda Dynamo Kiev barbaraysay daqiiqadii 65aad,
waxaana u saxeexay goolkaas weeraryahanka Maksim Shatskikh. Laakiin kooxda
Lokomotiv ayaa ugu dambayntii ku guulaysatay in ay guusha hantido, kadib
markii daqiiqadii 89aad uu Winston Parks u saxeexay goolkii saddexaad,
waxaanay ciyaartii ku soo geba-gebawday 3-2.
Group C
Monaco 1-1 PSV Eindhoven
Kooxda Monaco ayaa hogaanka group C qabsatay kadib markii ay barbardhac
1-1 ah gurigeeda ku gashay kooxda reer Holland ee PSV Eindhoven, waxaanay
kooxda Monaco ku hogaaminaysaa guruubkan 10 dhibcood oo ay dhinaca
goolasha kaga horeyso kooxda Deprotivo La Coruna, halka ay kooxda PSV
kaalinta 3aad kaga jirto guruubka oo ay leedahay 7 dhibcood.
Kooxda Monaca ayaa gool ku hormartay daqiiqadii 34aad, kaas oo u saxeexay
ciyaaryahanka Isbaanishka ah ee Fernando Morientes, balse kooxda PSV
Eindhoven ayaa ku guulasatay in ay dhashato goolkii barbardhaca daqiiqadii
85aad, kaas oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka Jan Vennegoor of Hesselink.
Deportivo La Coruna 3-0 AEK Athens
Kooxda Deportivo ayaa ka soo kabatay guul-daradii taariikhiga ahayd ee ay
kooxda Monaco ciyaartii tan ka horeysay kaga badisay 8-3, waxaanay ku
guulaysatay in gurigeeda kaga badiso 3-0 kooxda martida u ahayd ee AEK
Athens, waxaanay ku jirtaa kaalinta labaad ee guruubkan iyadoo leh ay isku
dhibco yihiin kooxda kaalinta koowaad ku jirta ee Monaco, balse ay xaga
goolasha kaga dambayso, halka ay kooxda AEK Athens ka leedahay dhibic
keliya oo ay tartanka ka hadhay.
Goolasha saddexda ah waxa u kala dhaliyay Berengule Hector daqiiqadii
21aad, Juan Carlos Valeron daqiiqadii 51aad iyo Aberto Luque daqiiqadii
71aad.
Group D
Olympiakos 2-2 Real Sociedad
Kooxda Real Sociedad ayaa kaalinta labaad ee group D soo gashay, kadib
markii ay kooxda Olympiakos oo ay marti u ahayd barbardhac 2-2 kula gashay,
waxaanay taasi keentay in ay kooxda Real Sociedad yeelato 8 dhibcood oo ay
laba dhibcood ka dambayso kooxda kaalinta koowaad ee guruubkan ku jirta ee
Juventus, halka ay kooxda Olympiakos leedahay 4 dhibcood oo keliya,
kaalinta 3aad ku jirto.
Igor Gabilondo ayaa daqiiqadii 31aad u dhaliyay kooxda Deportivo gool ay
ciyaarta ku hormatay, balse Ieroklis Stoltidis ayaa goolkii barbardhaca u
keenay kooxda Olympaikos daqiiqadii 59aad. Kooxda Olympiakos ayaa
daqiiqadii 71aad hogaanka ciyaarta ku hormatay, kadib markii uu Neri
Aberto Castillo daqiiqadii 71aad u saxeexay goolkii labaad ee kooxdiisa,
balse Real Sociedad ayaa saddex daqiiqadood kadib ku guulaysatay in ay
dhaliso goolkii ay barbardhaca kula gashay, kaas oo uu saxeexay Gabriel
Schurrer, waxaanay ku soo geba-gebowday barbardhac 2-2 ay isla
dhaafiwaayeen labada kooxood.
Galatasary Vs Juventus
Ciyaartan labada kooxood ee Galatasary iyo Juventus dhex mari lahayd ayaa
dib loo dhigay, kadib sababo amni oo ka dhashay qaraxyo toddobaadadii
tegay ka dhacay magaalada Istanbul oo qorshuhu ahaa in lagu ciyaaro, taas
oo ay xidhiidhka kubadda cagta ee Yurub dib ugu dhigeen tan bisha December
2-da. Laakiin kooxda Juventus ayaa guruubkan hogaanka u haysa waxaanay
leedahay 10 dhibcood, iyadoo sidaasna ugu soo gudubtay wareega labaad ee
tartanka horyaalka, halka ay kooxda Galatasaray kaga jirto guruubka
kaalinta ugu dambaysa oo ay leedahay 3 dhibcood oo keliya.
Group E
VfB Stuttgart 1-0 Rangers
Kooxaha VfB Stuttgart iyo Manchester United ayaa u soo gudbay wareega
labaad ee tartanka horyaalka Yurub, kadib markii ay labada kooxoodba guul
ka gaadheen ciyaarahoodii ay Arbacadii ciyaareen, waxaanay kooxda VfB
Stuttgart 1-0 kaga adkaatay kooxda Rangers oo marti u ahayd, taas oo
keentay in ay hogaanka guruubka ku qabsato iyadoo dhinaca goolasha kaga
horeysa kooxda Manchester United oo ay labada kooxoodba leeyihiin 12
dhibcood, halka ay kooxda Rangers ka leedahay 4 dhibcood oo ay kaalinta
3aad ku jirto.
Goolka ay guushu ku raacday kooxda VfB Stuttgart, waxa daqiiqadii 45aad u
saxeexay ciyaaryahanka Timo Wenzel.
Panathinakos 0-1 Man United
Kooxda Manchester United ayaa ku guulaysatay in ay 1-0 kaga adkaato kooxda
Panathinakos oo ay marti u ahayd, isla markaana u soo gudubto wareega
labaad iyadoo kaalinta labaad ka soo gashay guruubkan, balse dhinaca
goolasha laga horeeyo oo ay xaga dhibcaha iskaga mid yihiin kooxda VfB
Stuttgart oo ay leeyihiin 12 dhibcood, iyadoo ay kooxda Panathinaikos ka
hadhay tartanka, kadib markii ay kaalinta ugu dambeysa ka soo gashay
guruubkan oo ay leedahay keliya dhibic, taas oo ay gebi ahaan ciyaarta
shantii ciyaarood ee ay ciyaarta afar ka mid ah laga adkaaday, halka ay
barbardhac keliya ka gashay.
Diego Forlan ayaa daqiiqadii 85aad u dhaliyay goolka ay guusha ku hantiday
kooxda Manchester United.
Group F
Marseille 1-2 Real Madrid
Kooxda Real Madrid oo hore ugu soo gudubtay wareega labaad ee tartankan
horyaalka ayaa sii xafiday hogaanka guruubka, kadib markii ay dibadda ka
dhigtay tartanka kooxda Faransiiska ah ee Marseille dorraad arbacadii,
waxaanay kaga badisay gurigeeda.
Ciyaaryahanka Masriga ah Mido ayaa barbardhac u keenay kooxda Marseille
daqiiqadii 64aad, kadib markii xiddiga David Beckham daqiiqadii 35aad ee
qaybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay kooxda Real gool ay ku hormartay, kaas
oo uu ku dhaliyay laad xor ah oo loo dhigay khadka goolka dibadiisa.
Laakiin daqiiqadii 73aad ayuu weeraryahanka reer Brazil ee Ronaldo u
saxeexay kooxdiisa Real Madrid goolkii guusha, kadib markii kubad ay ka
soo shaqeeyeen ciyaartoyda Figo, Zinedine Zidane iyo Raul ugu dambayntii
Ronaldo goolka si wanaagsan ugu taabtay.
Guushan kadib, waxay kooxda Real Madrid guruubkan ku hogaaminaysaa 13
dhibcood, taas oo ay ka urursatay afar ciyaarood oo ay guulaysatay iyo hal
ciyaar ah oo ay barbardhac gashay, halka ay kooxda Marseille ka baxday
tartanka oo ay kaalinta saddexaad ka soo gashay, iyadoo leh 3 dhibcood oo
keiya.
FC Porto 2-1 Partizan Belgarde
Sidoo kooxda FC Porto ayaa iyaduna u soo gudubtay wareega labaad ee
tartanka horyaalka Yurub, kadib markii 2-1 kaga adkaatay kooxda Partizan
Belgarde, taas oo keentay in ay kooxda Porto kaalinta labaad guruubkan ka
gasho, iyadoo leh 10 dhibcood, halka ay kooxda Partizan Belgrade ka baxday
tartanka waxaanay kaga jirtaa guruubkan kaalinta ugu dambeysa oo ay
leedahay 2 dhibcood oo keliya.
Kooxda Porto ayaa hogaanka ciyaarta ku hormartay daqiiqadii 25aad, kaas oo
uu u saxeexay Benni McCarthy, isagoo haddana isla ciyaartoygaasi hogaanka
ciyaarta sii kordhiyay daqiiqadii 45aad, kadib markii uu goolkii labaad ee
isaga iyo kooxdiisaba u dhaliyay.
Ciyaartoyga Andrija Delibasic ayaa gool u dhaliyay kooxda Partizan
Belgrade daqiiqadii ugu dambeysay wakhtigii ciyaarta.
Group G
Chelsea 0-0 Sparta Prague
Kooxda Chelsea ayaa u soo gudubtay wareega labaad ee tartanka horyaalka
Yurub, kadib markii ay arbacadii barbardhac 0-0 la gashay kooxda Sparta
Prague, sidaas ay hogaanka guruubkan ku qabsatay, iyadoo leh 10 dhibcood,
halka ay kooxda Sparta Prague ka leedahay 5 dhibcood, kaalinta 3aad kaga
jirto guruubka Group G.
Lazio 1-1 Besiktas
Kooxda Besiktas ayaa ku guulaysatay in ay kaalinta 2aad soo gasho
guruubkan, kadib markii ay barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Lazio oo
ay Stadio Olimpico kula ciyaaraysay dorraad arbacadii, halka ay kooxda
Lazio kaga jirto guruubkan kaalinta ugu dambaysa oo ay leedahay 5 dhibcood,
isla markaana dhinaca goolasha kaga dambayso kooxda Sparta Prague.
Ciyaaryahanka Daniel Pancu ayaa gooldhalinta u furay kooxdiisa Besiktas
daqiiqadii 45aad, kadib markii kooxdiisa loo qabtay rigoore. Laakiin
Roberto Muzzi ayaa gool barbardhac ah u keenay kooxda Lazio daqiiqadii
55aad.
Group F
Ajax 0-1 AC Milan
Kooxda AC Milan ayaa muujisay in ay ka dhabtahay in ay doonayaan
sannadkana in ay ku guulaystaan horyaalka Yurub, kadib markii ay u soo
gudbeen wareega labaad oo ay kooxda Ajax Amsterdam kaga adkaadeen 1-0
iyagoo kula ciyaarayay magaalada Amsterdam arbacadii dorraad.
Xilli-ciyaareedkii hore kooxda uu hogaaminayo Carlo Ancelotti waxay soo
bandhigeen ciyaarihii heerarkii hore ciyaaro aad u qurux badan, balse
ciyaartan ay Amsterdam ku ciyaarayeen may ahayd mid qurux badan ee waxay
ahayd ciyaar ka mid ah kuwii u dhaqanka ahaa kooxaha Talyaaniga.
“Maanaan soo bandhigin ciyaar qurux badan taas oo aanu xilli-ciyaareedkii
hore soo bandhignay, laakiin ciyaartan waxaanu ahayn kooxda adag,
waxaanuna u baahnayn keliya in aanu badino, waayo si aanay soo gudubkayagu
ugu xidhmin ciyaar dambe.” Sidaa waxa yidhi Carlo Ancelotti, tababaraha
kooxda AC Milan.
Guushani waxay ahayd guushii ugu horeysay ee ay kooxda Milan kaga badiso
garoonka Ajax, isla markaana goolka uu u dhaliyay Adriy Shevchenko
daqiiqadii 51aad waxa uu ahaa goolkii ugu horeeyay ee koox talyaani ahi
kaga dhaliso guriga kooxda horyaal Holland haysata ee Ajax.
Milan ayaa wareega labaad ugu soo gudubtay 10 dhibcood oo ay ku
hogaaminayso guruubkan, halka ay kooxda Ajax ka leedahay 6 dhibcood
kaalinta labaadna ku wada jiraan kooxda Celta Vigo oo ay goolasha iyo
dhibcaha isku mid yihiin.
Celta Vigo 1-1 Club Brugge
Kooxda Celta Vigo ayaa ku guuldaraysatay in ay ka faa’iidaysato
garoonkeeda iyo taageerayaasheed, waxaanay barbardhac 1-1 kula gashay
kooxda Club Brugge oo marti u ahayd. Sidaasna waxa ay kooxda Celta Vigo ka
leedahay oo 6 dhibcood oo ay kooxda Ajax kaalinta labaad kuwada jiraan,
halka ay kooxda Club Brugge kaalinta ugu dambeysa kaga jirto oo ay
leedahay 5 dhibcood oo keliya.
Kooxda Celta Vigo ayaa hogaanka ciyaarta ku hormartay gool daqiiqadii
73aad, kaas oo uu u saxeexay ciyaaryahanka Alexandr Mostovol, balse
daqiiqadii 90aad ayay kooxda Club Brugge keentay goolkii barbardhaca oo uu
dhaliyay Rune Lange. Top
|